Monthly Archives: April 2014

Neecawda

Neecawda waa hawada korkeenna maraysa, meel kastoo dalooshana buuxinaysa. Neecawdu faa’iidooyin badan bay nalleyda oo dhan u leedahay, hase yeeshee faa’idooyinka halkaan aan uga hadlaynnaa waa kuwa qofka caafimaadkiisa ku lug leh.
Tan ugu horreysaa necawda socodkeedu wuxuu raad weyn ku leeyahay xagga kulka yo qabowga meesha aynnu ku noolnahay. Waa wax la wada ogsoon yahay in markay neecawdu yaraato, sida markaas ay urtu isu beddelayso qofku kul uu dareemo markay aad u socotana dhaxan, sida xagaayohoo kale.
Faa’iidada labaad oo neecawdu qofka caafimaadkiisa u leedahay waa inuu ka helaa hawo uu neefsado, haddii kale maba uu noolaan kareen. Neecawda neefsigeedu qofka noloshiisa waa uga qiimo weynyahay cunnada iyo cabbidda, maxaa yeelay labadaan waxyaalood oo dambe muddo dheer buu moogaan karaa, laakiinse neecawda hadduu ugu bato wuxuu ka maarmi karaa daqiiqado yar keli ah. Qofna kama daahna in haddii qofka sanka iyo afka laga xiro amaba la ceejiyo uu degdeg u dhimanayo.
Waxaa xusid u baahan inaan sheegno, inayan waxyaalaha neecawdu ay ka kooban tahay isku faa’ido u ahayn qofka noloshiisa.
Shayga lagama maarmaanka ahi waa ogsajiinka oo neecawda aan neefsanaynno boqolkiiba labaatan ka ah.

LAYLIS:
1 . Sheeg faa’idooyinka neecawdu qofka caafimaaadkiisa u leedahay?
2. Muxuu yahay shayga lagama maarmaanka ah oo neecawda aan neefsanaynno ku jiraa?

Silsiladda Faafidda Cudurrada

Magacaas waxaa la siiyaa dhabbaha cudurradu sii maraan markay qofka buka ka tagaan oo ay u socdaan kan fayow. Silsilad waxaa loogu magacaabay maxaa yeelay sida silsiladdu u leedahay guntimo is daba yaal oo markii la rabo la kala furi karo ayaa cudurrada lays qaadsiiyaa u leeyihiin minqaadyo ay ku hakadaan intay jidka ku sii jiraan, minqaadyadaasoo ay dhici karto in mid kasta cudurka lagu joojin karo, sidii silsiladdii la kala furayey oo kale.

Cudurrada lays qaadsiiyo mid waliba wuxuu leeyahay silsilad uu sii raaco oo ay dhici karto inay ka duwan tahay tan kuwa kale. Taas aan soo sheegnay waxaa laga garan karayaa halqabsiyada aan hoos ku soo sheegi doonno.

— Kaadidhiigga: silsaladda faafidda kaadidhiigu waxaa weeye:

Qofka buka – biyaha webiga – bocool webiga laga dhex helo – biyaha webiga – qofka fayow.

— Duumada: Silsiladda faafidda duumadu waa:

Qofka buka – kaneecada Anofelesta dheddig – qofka fayow.

— Daacuunka: Silsiladda faafidda daacuunka waa:

Qofka buka – biyaha ama cunnada – qofka fayow.

Danta laga leeyahay barashada silsiladda faafidda cudur walba waa in awood loo yeesho sidii looga hor tegi lahaa intuusan dad badan saaban, Taasi ma suurowdeen haddii aan la aqoon cudur waliba markuu qofka buka u soo gudbo oo uu u socdo kan fayow meelaha uu ku sii dhaxayo.

LAYLIS:
1. Maxay faa’iido dadka u leedahay aqoonta silsiladda faafidda cudurrada lays qaadsiiyo?
2. Maxaa dhici kara haddii cudur lays qaadsiiyaa meel ka kaco asaan la aqoon cudurkaasi siduu u faafo?

Cudurrada Lays Qaadsiiyo

Cudur lays qaadsiiyaa waa cudurkii qofka fayoobi qof buka ka qaadi karo. Laba siyood baa qofka fayoobi kan buka cudurka uu qabo uga qaadi karaa, kuwaasoo ah “abbaar” iyo “duurxul”. Abbaartu waa haddii cudurka la kala qaado iyadoo aan labada qof wax jirrada u kala qaadaa ayan dhexdhexaadin. Taas waxaa halqabsi inoo ku noqon karta ifilada.
Haddii qof ifilo qabaa qof fayow soo hor fariisto oo markaas ku neefsado ama ku qufaco wuxuu sidaas ugu gudbinayaa fiiruska cudurka keena.
Sida duurxulka ahi waa haddii qofka jirran iyo kan fayow wax cudurka u kala qaadaa ay soo dhex galaan. Taas waxaan halqabsi uga dhiganaynnaa dabadhiigga. Sida loo kala qaadaa dabadhiigga waa in qofka buka saxaradiisu gaartaa cunno ama cabbitaan oo markaas qofka fayoobi inta cuno cunnadaas dheehantay uu ku jirrado. Waxaa taas la mid ah in qofka fayow farihiisa ay gaarto wasakh jeermiga dabadhiigga wadda oo uu isagoo aan faro xalan gacmaha wax ku cuno. Sida aan uga sheekaynnay dabadhiigga kala qaadiddiisa waxaa laga garan karaa inayan shardi ahayn in labada qof oo cudurka kala qaadayaa is arkaan amaba ay meel wada joogaan. Cudurku si uu qofka fayow ku soo gaaro waa inuu meelo ka soo laabto, taasoo ah sababta loogu magacaabay duurxul habka cudurkaan loo kala qaado.
Labadii halqabsi oo aan soo sheegnay waxaa laga garan karayaa in haddi la doonayo in layska ilaaliyo ifilada iyo cudurrada kale oo la midka ah, sida hargabka iyo qaaxada, loo baahan yahay in qofka buka u dhowaanshadiisa layska jiro; haddiise la doonayo in layska ilaaliyo dabadhiigga iyo cudurrada kale oo la midka ah, sida daacuunka, ameebaha iyo gooryaanka, in laga taxaddaro cunnada iyo cabbitaanka iyo faraha nadaafaddooda.

LAYLIS:
1 . Muxuu yahay cudur lays qaadsiiyo?
2. Sidee baa cudurrada loo kala qaadi karaa?

Xaakada

Xaakadu waa dhashuun doorsoomay oo ka soo go’a qofka xabadkiisa markii uu khaakhsado ama uu qufaco.
Haddii qofkaasi jirran yahay oo qabo hargab, qaaxo, qaarjeex iyo wixii la mid ah waxaa ku dheehan xaakadiisa jeermigii cudurka uu markaas qabo keenay.

Haddii ruuxa jirrani uu dhulka ku xaakoodo xaakadaasi wey engegi, jeermigii ku jirayna hawada ayuu la bidayaa, kolkaasaa dadkii fayoobaa neefsadaan oo cudurkii ka qaadayaan. Sidaas daraaddeed ayay reebban tahay in dhulka lagu xaakoodo ama lagu diifsado, siiba meelaha lagu kulmo, sida: guryaha hanuuninta, shineemooyinka, beeraha nasniinta, suuqyada, dugsiyada, isbitaallada iyo wixii la mid ah.

Qofkii xaakoonayaa ama diifsanaya waa inuu masar ama calal nadiif ah afka ku daboola si waxa ka soo go’ayaa ayan dibedda ugu dhicin oo markaas dad kale cudur ugu keenin.

Isbitaallada dadka bukaa jiifo, siiba kuwa qaaxada, waa reebban tahay in dibedda lagu xaakoodo. Halkaas qof waliba wuxuu leeyahay weel yar oo dabool leh oo uu ku xaakoodo, markii uu buuxiyana xaakada waxaa lagu daadiyaa meel loo sameeyey oo lagu gubo, weelkana waxaa lagu dhaqaa daawooyin loo washirey.
Xagga edebta laftigeeda kuma fiicna in dibedda lagu xaakoodaa.

LAYLIS:
1. Xaakada qofka cudur saabka ah qaba maxaa laga qaadaa?
2. Maxaa laga doonayaa qofka xaakoonayaa ama diif-sanayaa inuu ku isticmaalo?
3. Isbitaallada qaaxada sidee baa xaakada loo galaa?

Kaneecada

Kaneecadu waa cayayaan duula oo ka mid ah kuwa dadka waxyeellada u leh. Sida ay wax ku yeeshaa ama waa qaniinyo keli ah ama waa qaniinyo cudur dhaafta. Kaneecadu waa cayayaan habeenkii guda maalintiina dhuunta, sida barambarada oo kale, taasoo ay kaga duwantahay duqsiga oo maalintii duula habeenkiina dega.

Kaneecadu waa dhowr cayn, laakiinse halkaan waxaan ka xusaynnaa labo keli ah, kuwaasoo ah Kulijiinta iyo Anofelesta. Kulijiintu wax bay qaniintaa ee cudur ma dhaafo, Anofelestuse waxana waa qaniintaa cudurna way dhaftaa. Anofelesta dheddig keli ah baa cudurka dhaafta, taasoo sababtu tahay inay dhiig u baahan tahay si ay ugaxdeeda ku bislayso. Anofeleska labi uma baahna suu ugax uu bislaynayaa ma jirtee.

Kaneecadu, ama Kulijiin ha ahaato ama Anofelese, waxay ku nooshahay meelaha biyaha macaan leh, kuwaasoo ay markay af bannaan yihiin ugaxdeeda ku dejiso. Ugaxdu meeshii aad u kulul waxay ku dillaacdaa 24 saac, iyadoo dhalaysa lullumo, taasoo muddo dhawr iyo toban beri ah ku kobocda oo markaas tartiibtartiib isugu beddesha kaneeco weyn.
Kulijiinta iyo Anofelesta waaweyn waxaa lagu kala gartaa markay meel saaran yihiin sida ay u kala fariistaan iyo qaabka dhabarkoodu yahay. Kulijiinta waxaad mooddaa inay tuur leedahay, waxayna u fariisataa si oogadeeda iyo meesha ay ku fadhidaa u noqdaan labo xarriiqood oo is barbarsanaya. Anofelesta dhabarkeedu waa toosan yahay, markay meel fadhidana waa foorortaa, si gafuurkeedu dabadeeda dhulka ugu dhowaado. Waxay kaloo ku duwan yihiin in Anofelesta badideed baalasha baro madow ku leedahay oo aan Kulijiintu lahayn – Tilmaamahaas dambe waxay tarayaan in labada jaad la kala garto si ay u sahlanaato in layska ilaaliyo Anofelesta oo ah jaadka duumada keena.

Anofelestu sannadkiiba toban goor iyo ka badan bay is dhashaa, markiibana tan dhaddigi waxay dhigtaa 130 ilaa 300 oo ukumood. Sida badan waxay ku nooshahay dooxooyinka, laakiinse mararka qaarkood waxay kor u kici kartaa ilaa 2000 oo mitir. Xagga socodka waxaa dhici karta inay inta ka tagto meeshay joogto ay gaarto meel u jirta 2-3 kiiloomitir.

LAYLIS:
1 . Maxay tahay kaneecadu?
2. Sidee bay dadka wax u yeeshaa?
3. Maxaa Anofelesta dhaddigi duumada u keentaa kan labina uusan u keenin?

Diqsiga

Duqsigu waxa uu ka mid yahay cayayaanka kuwa ugu daran oo dadka cudurka u keena, wuxuuna ku dhalaa oo ku tarmaa daafadaha musqulaha, xeryaha xoolaha iyo meelaha wax qurmay yaalliin oo dhan. Cimrigiisu waa dhawr toddobaad illowse markii kumanyaal dhintaanba kumanyaal baa dhasha, tarantiisuna waxay aad u badataa markii roobku da’o, oo dhulka qoyo. Wixii qoyan iyo qurunka ayuu dusha ka fuulaa oo cunaa, wuxuuna manjaha ku qaataa xaako mid bukaa tufay, malax boog ka timid, saxaro iyo wax la mid ah, markaasuu cuntada, alaabta lagu dhaqmo iyo oogada dadka kula istaagaa oo jeermigiisa halista ah ku reebaa. Sidaas daraaddeed duqsigu wuxuu ka mid yahay “gaadiidka cudurka”.

Jeermiga duqsigu wadaa waa wax aad u yaryar oo il keligeed ah laguma arki karo. Haddii uu qof daaf ama bakoore qaba indhihiisa ku dego oo malaxda uu ka soo qaado qof awal fayoobaa indhihi gaarsiiyo isna wuxuu halis u yahay inuu jirrado.

Cudurrada xiidmaha gala marar badan isagaa sabab u ah oo cunto ama cabbitaan uu duqsigu jeermi ku reebay baa laga qaadaa. Meeliba meeshii ay ka duqsi badan tahay ka cudur badan. Haddaba waxaa looga nabadgeli karaa in layska ilaaliyo oo la laayo iyadoo la raacayo sida soo socota:

1. In daawada sumaysa loogu dhaqmo.
2. Qashinka oo la uruuriyo oo la daboolo, lana gubo.
3. Xaakada iyo candhuufta oo aan dibedda lagu tufin.
4. Bannaannada oon lagu saxaroon.
5. Musqulaha oo la nadiifiyo, sunta cayayaanka dishana lagu shubo.
6. Dhammaan, wasakhda oo layska ilaaliyo.

LAYLIS:
1. Xaggee baa duqsigu ku tarmaa?
2. Maxaa duqsiga loogu sheegay inuu yahay gaadiid cudur?
3. Maxaa ka mid ah cudurrada duqsigu faafiyo?

Cayayaanka

Cayayaan waxaa la yiraahdaa xayawaanka kuwiisa yaryar, sida duqsiga, kaneecada, booddada, injirta, barambarada, shinnida, dhurdaha, balambaalista, roobladhacda iwm. Sida magacyada aan soo sheegnay laga garan karo cayayaanka waxaa ka mid ah, kuwo wax dhiba, sida: duqsiga, kaneecada, booddada, injirta iyo barambarada; kuwo wax tara, sida: shinnida iyo dhurdaha, kuwo aan dadka waxna u tarin waxna u dhimin, sida: balambaalista iyo roobladhacda.

Danta casharkaan laga leeyahay waxaa weeye inaan barannaa cayayaanka kuwiisa dadka caafimaadkiisa dhiba, si ay dabadeed u sahlanaato iskajiriddoodu. Kuwaas waxaa ka mid ah duqsiga, kaneecada, booddada, injirta iyo barambarada. Sida uu cayayaanku cudurrada dadka u gaarsiiyaa waa inta qofka buka ama wasakh meel taal ku hakado uu ka soo qaado jeermiga iyo uumanka kale ee cudurka kiciya oo uu markaas qofka fayow jirkiisa ama cunnada uu cunayo iyo cabitaankiisa ku abuuro. Cayayaanka qaarki cudurka wuxuu ku faafiyaa qaniinyo, sida: kaneecada, qaarka kalena inuu wasakhda qaado, sida: duqsiga iyo barambarada. Giddigood kuwaas cudurrada keena, waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin “gaadiid cudur”. Dadku aalaaba waa sahladaa bahalladaas waxyeelladooda, taasoo aan dhici lahayn hadduu ogaan lahaa in dhibka ay dadka caafimaadkiisa u geysanayaan uu aad uga badan yahay kan bahallada waaweyn. Sidaas daraaddeed waxaa loo baahan yahay in bahalladaas lala dagaallamo.

LAYLIS:
1. Sheeg qaybaha cayayaanka xagga waxtarka iyo waxyeellada, adoo qayb walba wax ka magacaabaya?
2. Maxaa lagu tilmaamaa cayayaanka cudurrada keena?

Jeermiga

Jeermigu wuxuu ka mid yahay uumanka badan oo cudurrada keena. Jeermigu isaguna markiisa wuxuu u qaybsamaa jaadad fara badan oo ku kala duwan xagga qaabka, xagga dhaqanka iyo xagga halistaba. Xagga qaabka bal haddaan ka eegno waxaan arkaynnaa in jeermiga qaarkii dhuudhuuban yabay, qaarna qarqaroofan yahay qaar kalena uu wareegsan yahay. Xagga halista haddii iyadana laga eego waxaa la ogsoon yahay in jeermiga qaarkii cudur u keeno dadka keligi, qaarna nafleyda kale, qaar saddexaadna dadka iyo nafleyda kaleba. Xagga dhaqanka waxaa jira in jeermiga qaarkii ku noolaan karo dadka jirkiisa keli ah qaarkii kalena ay suurowdo inuu debedda isaga noolaan karo, intuu doono, ilaa uu ka helo qof uu oogadiisa galo.

Waxaa isweydiis leh maxaa jeermigu dadka oogadiisa u galaa oo markaas cudurro ugu kiciyaa. Jawaabtu waxaa weeye in jeermiga laftiisu yahay nafley oo sida nafley kasta oo kale uu u baahan yahay quud, quudkaasoo uusan isagu awood u lahayn inuu samaysto. Taasaa jeermiga ku khasbaysa inuu raadsado nafley kale oo uu ka helo wuxuu u baahan yahay.

Jeermigu si qarsoodi ah buu qofka jirkiisa u soo galaa isagoo kaalmaysanaya yaraantiisa badan oo aan qofka u oggolaan karin inuu inta indhihiisa keligood ku arko markaas iska celiyo. Markii la rabo in jeermiga la arko waxaa lagu isticmaalaa aalad gooni ah oo la yiraahdo Weyneeye (mikraskoob) oo wixii lagu fiiriyo muuqaalkooda aad u weynaysa si markaas araggoodu u sahlanaado.

Jeermiga waxyaalaha qofka u legda waxaa ka mid ah cunno-xumada iyo nadaafad-xumada. Qofkii cunno wanaagsan cuna oo oogadiisu xoog leedahay iyo kii ku dadaala nadaafadda korkiisa, tan dharkiisa iyo tan gurigiisaba, jeermigu kuma soo degdego.

LAYLIS:
1. Muxuu yahay jeermi?
2. Sidee baa loo arki karaa jeermiga?
3. Maxaa jeermiga kaalmeeya si uu qofka cudur ugu keeno?

Nadaafadda Dhulka

Dhulku waa meesha la degganyahay oo lagu raaxaysto. Sidaas aawadeed ayay lagama maarmaan u tahay in nadaafaddiisa la dhawro oo lagu dadaalo inuu mar walba hufnaado.
Dhulka ay guryuhu ku yaalliin, fagaagga ay kala leeyihiin, waddooyinka dhex mara iyo bannaannada xaafadaha kala gooya waxaa la doonayaa in aad loo hufo, qashinkana aan lagu daadin haddii kale waxaa ka dhalanayaa cayayaanka cudurrada keena.
Beeraha nasniinta iyo barxadaha magaalooyinka ku yaal waa in aad nadaafaddooda loo ilaaliyaa oo aan la wasakhayn loona kor tegin, maxaa wacay waa meesha uu dadku ku nasto, oo uu ku tebiyo daalkii uu shaqada kala kulmay, waxna uu ku akhristo, carruurtana loogu raaxeeyo oo lagu maaweeliyo.
Nadaafadda dhulka waxaa ka mid ah in lagu beero dhir qurux u kordhisa, habaaska kacayana celisa, iyadoo isla mar ahaantaas dadku ka helayo hoos iyo neecaw caafimaad leh.
Meelaha laga yaabo in boor ka kaco was. in la rusheeyo si ay ciiddu u degto. Nadaafadda dhulku waxay ka dhigan tahay tan oogada, dharka iyo gogosha, sidaas awgeedna waa in aad loo dhowraa.
LAYLIS:
1. Wax ka sheeg siyaabaha loo ilaaliyo nadaafadda dhulka?
2. Maxay ka dhigan tahay nadaafadda dhulku?

Nadaafadda Guriga

Gurigu waa meesha uu qofku noloshiisa badankeeda ku dhammaysto, isagana ilaaliyo kulaylka, qabowga, roobka, dabaysha, dugaagga, tuugada iyo wixii naftiisa dhibaya oo dhan. Gurigu inuu hufnaado waa wax lagama maarmaan ah. Waxaa aad u habboon gurigu inuu ku yaal meel ka fog meelaha warshadaha ah oo ay ka mid yihiin meelaha wax lagu magdeeyo ama biraha lagu tumo iyo meel kasta oo shanqar badan ama xoolaha lagu xereeyo.
Neecawda iyo iftiinku waa inay soo geli karaan guriga oo uu lahaado irdo iyo daaqado ku filan, kuwaasoo kordhinaya nadaafaddiisa, waxaana fiican inuu leeyahay meel fagaag ah oo u bannaan oo lagu faalalo.
Hufnaanta guriga bay ka mid tahay in musqushu ku taal meel xoogaa ka dhaqaaqsan qolalka la seexdo ama haddii kale ay ahaato mid aad loo nadiifin karo. Waa inay lahaataa daaqad ay galaan iftiinka iyo neecawdu. Marka guriga la xaaqayo haddii laga yaabo in boor ka kaco waa in marka hore lagu sayro in yar oo biyo ah, daaqadahana loo furo si uusan qofka xaaqayaa ugu dhibtoon. Qashinka waa in lagu uruuriyo weel dabool adag leh si uusan uga soo bixin cayayaanka waxyeellada lihi, marka uu batana waa in loo qaado qashinqubka. Mar walba waa in guriga laga laayo cayayaanka halista ah oo ay ka mid yihiin duqsiga, barambarada iyo kaneecada, kuwaasoo haddii aan laga hor tegin tarmaya oo guriga ku badanaya. Alaabta guriga taal waa in lagu dadaalo nadaafaddeeda oo laga ilaaliyo wasakhda.
Gogosha lagu seexdo iyo dharka la huwado waa in la jafjafaa oo la qorraxeeyaa. Nadaafadda guriga waxaa kale oo ka mid ah inaan lagu daadin qudaarta diirkeeda iyo inaan lagu tufin calyada, iyo xaakada. Waxyaalahaas oo dhan vaxaa ka dhasha jeermi halis ah, bilicda gurigana waa dilaan.
LAYLIS:
Ka sheekee, adoo aan casharka dib ugu noqon, sida guriga nadaafaddiisa loo ilaalin karo?