Monthly Archives: April 2014

Nadaafadda Biyaha

Biyahu waxay ka mid yihiin waxyaalaha qofka noloshiisa lagama maarmaanka u ah. Qofka waxaa ku kallifa inuu biyo cabbo waa harraadka oo ka imanaya jirka oo biyuhu ku yaraadeen. Taas micneheedu waxaa weeye in harraadka runta ahi uusan ahayn afka iyo dhuunta qallalaya markii qofku biyo ka raago ee uu yahay jirka oo aan helin intii biyo ahayd oo uu u baahnaa. Taas waxaa daliil u ah in qofka harraadku ka ba’ayo haddii xididka biyo looga shubo isagoo aan biyo cabbin. Afka iyo dhuunta qallalayaa, markii qofku harraado, shaqadoodu waa digniin sheegaysa in jirka biyihii ku yaraadeen. Haddii aan taasi dhici lahayn jirku waa qallali lahaa isagoo aan laga war helin.
Qiyaasta biyaha ah oo la sheego inay habboon tahay in qofku maalintii iyo habeenkii cabbo waa hal litir iyo bar. Waxaa dhici kara in qofku uusan intaasoo biyo ah wada cabbin ee uu qaarkood u qaato cabbitaanno kale, sida: caano, shaah, aranjaato, liimo, iwm. Qiyaasta biyaha ah oo maalintii la cabbayo waxyaalo badan baa saamayn kara, sida: xilliga, dhididka iyo shaqada qofka. Mar haddii xilligu kululyahay ama qofku aad u shaqeeyo, aadna u dhidido, biyo cabkiisu waa kordhayaa, sida haddii xilligu qabowyahay ama qofku uusan shaqo culus qabannin, uusan dhididinna, biyocabkiisu uu yaraanayo.
Biyaha la cabbaa waxay ahaan karaan kuwo roob, kuwo ceel, kuwo webi, kuwo gal iyo kuwo badeed oo cusbadii laga miiray. Biyaha roobka oo iyagoo aan dhulka soo gaarin weel loo dhigaa ma habboona maxaa yeelay waxaa ka maqan cusbood jirku u baahanyahay. Sidaasoo kale kuwa baddu haddii aan la miirin ma habboona maxaa yeelay waxaa ku badan cusboodka. Biyaha la cabbayaa waa inayan ur, dhadhan iyo midab toonna lahayn, ay jeermiga cudurrada keenana ka bannaan yihiin.Taas waxaa lagu gaari karaa in biyuhu dhuumo ku socdaan meeshay ka imanayaanna ayan uga sokayn musqul iyo buq wasakheed oo kale masaafo 20 mitir ka hoosaysa. Mar haddii uu jiro shaki dheehmid, biyaha waa in la karkariyaa intaan la cabbin ama lagu daraa jeermitirayaasha uu ka mid yahay Isteridoroolku.
LAYLIS:
1. Harraadka runta ahi muxuu ka yimaadaa?
2. Maxaa saamayn kara qofka biyocabkiisa?
3. Maxaan la doonayn in biyaha la cabbayaa leeyihiin?
4. Maxaa la rabaa inay ka fogyihiin meelaha biyaha la cabbayo laga keenayo?

Nadaafadda Cunnada

Qofku si uu ku noolaado cunno ayuu u baahan yahay, hase ahaate cunnada uu cunayaa waa inay ahaataa mid habboon xagga nooca iyo xagga tiradaba, isla mar ahaantaasna nadiif ah. Tan ku saabsan haboonaanta cunnada meel kale oo buuggaan ka mid ah ayaa looga faallooday. Casharkaan danta laga leeyahay waa in wax tilmaan ah laga siiyo akhristayaasha sida loo ilaaliyo nadaafadda cunnada. Guud ahaan waa in cunnada laga ilaaliyo cayayaanka, xabaasha iyo ciidda. Cunnadu xagga diyaarinta waxay u qaybsantaa wax la bisleeyo, wax iyagoo aan la bislayn la cuno iyo wax labada siiyoodba lagu cuni karo. Kuwa hore waxaa ka mid ah hilibka, badarka, bariidka, baastada, iwm. Kuwaasi mar haddii ayan meel xun soo marin waxaa ina ka walwal tiri kara nadaafaddooda in si fiican loo bisleeyo, taasoo dilaysa wax alla wixii uuman cudur ahaa oo ku jirey. Laakiin waxa iyana fiiro u baahan in weelka wax lagu karinayaa uusan ka samaysnayn macdannada lisma markay kululaadaan oo intay cunnada ku dhiimaan markaas dadka sumeeya.
Waxa aan kariska u baahnayn waxaa ka mid ah qudaarta iyo cagaarka. Kuwaas waxaa lagu nadiifin karaa in si fiican loo mayro. Haddii shaki jiro in kuwaas jeermi ku dheehan yahay waxaa la yeeli karaa in lagu mayro jeermitireyaal, sida: Dettoolka iyo Isteridoraalka. Markaas kaddibna waxaa lagu miiraa liin dhanaan. Cunnada bisayl iyo bisayl la’aanta lagu cuni karo waxaa ka mid ah caanaha, ukunta, saliidda iwm. Kuwaas waxaa habboon in la karkariyo, siiba markii laga baqayo inay dheehan yihiin.
Fiiro gaar ah waxaa u baahan cunnada dhigaalka ah, sida: hilibka, caanaha iyo subagga gasaca lagu kaydiyo, maxaa yeelay waxay halis u yihiin in jeermi ku dhex beermo. Sidaas daraaddeed waa in marka loo diyaarinayo dhigidda la tarantiro (jeermiga laga idleeyo).
LAYLIS:
1. Cunnadu xagga diyaarinta meeqa qaybood bay u qaybsantaa?
2. Guud ahaan maxaa la doonayaa in cunnada laga ilaaliyo?
3. Cunnada dhigaalka ah maxaa loo baahanyahay in lagu sameeyo?

Nadaafadda Gacmaha

Hawlaheenna waxaannu ku qabsannaa gacmaheenna, intaannu hawlahaas wadnana waxaa gacmaheenna ku dhegdhega wasakh badan. Wasakhdaasi waa halis haddii aynaan iska mayrin markii aannu shaqooyinkeenna dhammaysanno.
Waa in qofku ka caado yeeshaa inuu gacmihiisa biyo iyo saabbuun ku dhaqo mar walba oo ay u suurowdo, siiba mararkaan soo socda:
1. Marka uu qofku musqusha ka soo baxo;
2. Marka uu qofku rabo inuu cunnada cuno;
3. iyo marka uu cunnadaas idlaysto.
Si aannu nadaafadda gacmaha u dhammaystirro waxaa loo baahan yahay inaannu ciddiyaha iska jarro si aysan wasakhi gudahooda ugu dhuuman. Ciddiyaha jariddoodu waa lagama maarmaan si nadaafadda jirka guud ahaan loo ilaaliyo, gaar ahaanna nadaafadda gacmaha. Waxaa jira cudurro badan oo laga qaado gacmaha wasakhaysan, siiba ciddiyaha hoostooda wasakhda ku jirta. Cudurradaas waxaa ka mid ah Ameebaha oo lagu magacaabo ”cudurka gacmaha wasakhda ah”.
LAYLIS:
1. Goormay aad u habboon tahay in gacmaha layska mayro?
2. Maxaa dhici kara haddii gacmo aan la mayrin wax lagu cuno?

Nadaafadda Wajiga

Wajigu waxa uu ka koobmaa : foolka, indhaha, sanka, afka, dhegaha iyo xubno kale. Xubnaha aan kor ku soo sheegnay waa kuwo hawl weyn oogada u haya, sida: indhaha oo kale oo ka mid ah lixda lixaad.
Wajigu wuxuu u baahan yahay in aad loo ilaaliyo nadaafaddiisa, taasoo ku suurtoobi karta isagoo lagu mayro biyo iyo saabbuun dhowr goor maalintiiba dhididka iyo habaaskana laga tirtiro.
Haddii aan nadaafadda wajiga lagu dadaalin waxaa dhacaysa in duqsigu isagoo jeermi xambaarsan uu ku dego oo markaas cudurro halis ihi halkaas ka dhashaan. Cudurrada sidaas ku iman kara waxaa ka mid ah daafka iyo bakooraha, indhabbeelka keena.
Ilaalinta nadaafadda wajiga ayay ka mid tahay inaan faro iyo masar wasakh ah toonna wajiga la marin, sida dadka qaarki yeelo, maxaa yeelay dhaqanka noocaas ihi wuxuu sabab u noqon karaa dhibaatooyinkii aan horay u soo sheegnay. Waxaa iyana xusid mudan in wajiga waxtarkiisu uusan ku ekayn inay isaga ku yaalliin xubnihii aan soo sheegnay ee uu haddana yahay muraayaddii qofka, taasoo mar labaad ka dhigeysa nadaafaddiisa lagama maarmaan.

Nadaafadda Oogada iyo Dharka

Oogada qofka gaashaankeedu waa haragga ku gadfan. Gaashaankaasi hawl weyn buu jirka u qabtaa. Haragga kore hawlihiisa waxaa ka mid ah :
1. Waa gaashaan oogadu kaga gabbato wixii dhibaya oo dhan ee dibadda uga imaanaya, sida: cudurka, jugta iyo wixii la mid ah.
2. Kulka iyo qabowga ayuu oogada u qiyaasaa.
3. Oogada ayuu quxrurka u kaydiyaa oo siiyaa markii nacfigu ku yaraado.
Markii dhididku oogada ka soo baxo, haragga sare dushiisa ayuu ku qallalaa. Waxyaalo gufar ah oo qofka jirkiisu soo nacay ayaa dhididkaasi dibadda u soo saaraa. Hadduusan gufarku oogada ka soo bixin waxyeello ayuu u geysanayaa caafimaadkeeda. Oogada aan la mayrin waxaa ku dhasha jeermi ciiddaas ka badan oo habaaska iyo wasakhda kale oo qofka korkiisa ku taalla ku dhex noolaada.
Markii wasakhdaasi oogada ku badato ilihii dhididku ka soo baxayey baa gufeysma. Markaas waxaa joogsada dhididkii iyo wixii kale oo aan oogaadu u baahnayn ee ay dibadda u soo tufi lahayd.
Nidaamkii kulka iyo qabowga oogada u qiyaasayey isaguna waa doorsooma. lHaraggii oogada gaashaanka u ahaa oo la rabay inuu cudurka iyo dhibaha kaleba ka celiyo ayaa markaas shaqadiisii gudan waaya oo ay suurowdaa isaga laftiisu jirro imaatinkeed sabab u noqdo. Si oogadu fayoobi u hesho waa in tallaabooyinka soo socda la qaado:
1. In haragga oogada gaashaanka u ahi hufnaado weligii, taasoo lagu gaari karo in qofku qubayska badsado. Meelo gooni ah oo oogada ka mid ihi waxay u baahan yihiin nadaafad dheeri ah, meelahaasoo ay ka mid yihiin: wajiga, afka, gacmaha, cagaha iyo labada ibood.
2. In dharka hoose oo ay ka mid yihiin funaanadda iyo candhasaabka la mayro, dhaqsana laysaga beddelo, maxaa yeelay dhididka iyo wixii kale oo jirku soo nacay baa dharka hoose ku dhega oo wasakheeya. Cayayaanka, injirtu ka mid tahay, ayaa dabadeedna halkaas ka dhalan kara oo oogada qofku cudur u keeni kara. Haddii sidaas qofku nadaafaddiisa u ilaaliyo inuu fayoobi ku noolaado bay u badan tahay.
LAYLIS:
Ka sheekee haraggu wuxuu oogada u taro iyo haddii ilaha dhididku xirmaan dhibka ka iman kara?

Kahortagidda Cudurrada

Kahortagidda cudurrada fidaa waa hawl looga dan leeyahay in lagu horjoogsado faafidda cudurrada lays qaadsiiyo taasoo ayan shardi u ahayn in cudurka markaas laga hor tegayo dad qabaa uu meeshaas joogo, ayse dhici karto in la filanayo. Taas waxaa laga garan karayaa in kahortegidda cudurradu tahay hawl had iyo goor loo baahan yahay. Hawshaas waxaa loola qasdi karaa in lagu nabadgeliyo qof keli ah sida markii qofkaasi uu la joogo qof cudur halis ah qaba; dad yar sida markii qoys meel deggan laga dhex helo qof qaba cudur halis ah; dad badan sida markii waddanka dhammaanti ama qaarkiis laga ilaalinayo cudurro daran oo dal qalaad ka yimid.

Siyaalaha cudurrada looga hortagaa waa badan yihiin. Waxaa ka mid ah: nadaafadda guud iyo tan gaar oo lagu dadaalo; qofkii cudur halis ah qaba oo la takooro; cayayaanka cudurrada qaada oo lala diriro; dheef habboon oo la cuno iyo tallaal. Intaas aan sheegnay oo dhan mid walba goonidiisaa loogu baahan yahay, inuu u leeyahay hab loo sameeyo iyo hub loogu isticmaalo.

Tallaalka haddaan ka soo qabanno waa hawl maalinka maanta ah kaalin weyn kaga jirta dagaalka lagu hayo cudurrada lays qaadsiiyo. Waxaa weli jira cudurro badan oo aan daawadoodi la helin oo markay qofka ku dhacaan aan waxba loo qaban karin, hase yeeshee looga hortegi karo tallaal. Kuwaas waxaa ka mid ah furuqa, dabaysha, qandhacagaarka, caradugaagga iyo huqdheerta. Waxaa iyana jira cudurro kale oo inkastoo daawadoodi la helay haddana ay kharash badan tahay sida: qaaxada iyo kojiyaha oo ay sidaas daraaddeed faa’iido badan tahay in talaal looga hortago. Awal baa horay loo yiri: “Cudurrada kahortegiddoodu ka wanaagsan iska daaweytooda.”

LAYLIS:
1. Maxaa looga dan leeyahay kahortegidda cudurrada lays qaadsiiyo?
2. Wax ka sheeg siyaalaha cudurrada looga hortago?
3. Maxaa ka mid ah cudurrada aan weli daawadoodii la helin oo tallaal keli ah wax looga qaban karo?

Aasaaska Aqoonta Caafimaadka

Waxaa Qoray:
Jaalle Dr. Yuusuf Xirsi Axmed
Jaalle Yuusuf Sh. Cali Samantar


Arar

Buuggaan Aasaaska Aqoonta Caafimaadka oo daba jooga buuggii uu horay Guddiga Af-Soomaaligu soo saaray ee ku saabsanaa caafimaadka, wuxuu ifka u soo baxayaa goor uu afkeennii hooyo dhaqan galay, aadna u hanaqaaday.

Danta laga lahaa buuggaan qoristiisu waxay ahayd in dadweynaha Soomaaliyeed ee bartay Af-Soomaaliga qoriddiisa la siiyo wax caafimaadka ku saabsan oo ay akhristaan. Qorayaasha buuggu waxay fiiro gaar ah siinayeen in casharrada buuggu ahaadaan kuwo cilmi ku dhisan isla mar ahaantaasna garashadoodu qof walba u sahlanaan karto.

Waxaa aad loogu raja weyn yahay in buuggaani noqdo ku laga faa’idaysto gogoldhigna u noqdo buugaag kale oo noocaas ah soo bixiddooda.

Qorayaashu waxay mahad u jeedinayaan Guddiga Af Soomaaliga oo hoostiisa buuggaan lagu diyaariyey. Waxaa kale oo iyagana mahad loo celinayaa Iaalle Iikar Haddaad oo masawirrada buugga sameeyey iyo Iaalle Axmed Faarax Cali ”Idaajaa” oo gacan ka geystay casharrada qaarkood qoriddooda.

Qoreyaal:

Jaalle Dr. Yuusuf Xirsi Axmed
Jaalle Yuusuf Sh. Cali Samatar

 

_______________________

TUSMO

QAYBTA KOOWAAD.
Nadaafadda oogada iyo dharka
Nadaafadda wajiga
Nadaafadda gacmaha
Nadaafadda cunnada
Nadaafadda biyaha
Nadaafadda guriga
Nadaafadda dhulka

QAYBTA LABAAD
Jeermiga
Cayayaanka
Diqsiga
Kaneecada
Xaakada
Cudurrada lays qaadsiiyo
Silsiladda faafidda cudurrada
Kahortegidda cudurrada

QAYBTA SADDEXAAD
Neecawda
Qorraxda
Cunnada habboon
Saxarada
Hurdada
Faa’iidada cayaaraha
Xanaannada dhallaanka


Waxaa lagu daabacay Wakaaladda Madbacadda Qaranka.
Xamar, 1974