Sagaal Nin oo Walaala Ah

Sheeko ku-tiri-kuteen ah, runse u dhow waxaannu ku helnay in Ingiriisku Sayidka u soo diray siddeed nin oo Soomaali ah si ay u dagaan oo u dilaan, dawga Ingiriis doonayana Sayidka uga ridaan. Nimankii hadday xaruntii tageen, si fiicanna la isu dhex galay ayaa Sayidku sirtoodii iyo xeeladdoodii ogaaday. Haddaba markay u caddaatay in nimankani ismalaakadceed yihiin, sir iyo musuqmaasuqna wadaan, ayuu ku tallamay inuu laayo, hase yeeshee warna meel dheer buu ku dhacaa, dhagaxna meel dhaw e, way la ahaan wayday, dilkoodiina wayska dhaafay. Rag odoyaali waxay yiraahdeen, in nimanku ahaayeen niman Shiikh looga soo diray oo Qorre ugu tegay dayuuradda gadaalkeedii 1919kii. Sayidku intuu jicsinka u adkeeyay. ayuu farxaddii keenay si uu Daraawiish ugu sheego, ugana saaro, una sagootiyo, iyana u ogaysiiyo inuu sirtoodii gartay, markaasuu Sayidku mariyey geeraar gaaban oo wuxuuna yiri:

Sagaal nin oo walaalo ah sideennaas
Siddeed isku bah tahay sidiinnaas
Ninkuna bah gaar yahay sidaydaas
Siddeeduna ninkii siri sidiinnaas
Ninkuna sirtii garan sidaydaas
Haddaynu isa siri sideennaba
Mayska kala tagnaa sideedaba.

Waxaa lagu helay bowsi.

3 thoughts on “Sagaal Nin oo Walaala Ah

  1. Sayidka Allaah ha u naxariisto waa nin halgamaa oo geesi ah.
    Hadane wadankeenna wuxuu u baahan yahay halgamaa geesi ah oo Sayidkoo kale ah.
    (WAA CALI TAHLIIL AFRAX OO JOOGA MUQDISHO¥¥¥$#@♡♡♡♡
    《《SAYIDKOO KALOW KUFAARTA SEYDAHA KA JARAAYO AYAAN JARIWAN NAHAY HADAN SOOMAALI NAHAY)》》♡♡♡♤♧

  2. Sh Xasan Barsane waxuuw yiri.
    Gaala maa gaala kagiiran Gaala waa tii Gumarshiir.
    Dagaalkass waxuuw ahaa dagaalkii Ethiopianka Balcad looga soo celiyey.
    Gumarshiir waa halkii looga dabatahay markasy jabeen oo lagu laayey.
    Dagaalkaas ciidamadii Jaceemo sidhab ah ayeey
    Udagaalameen.
    Laakiin shiribkaas waxaa ow kudhiirin gelinaayey ciidamadii Jameeco in ow gaal gaal kaaga duwaneeyn oo Talyaaniga looga dagaalamo Suda Axmaarada loogula dagaalamey Balcad iyo Gunarshiir.
    Gumarshiir waxaay kutaal gobolka shabeelada dhexe ee xigta dhanka gobolka Baay ow gobolka xaduudka kala leeyahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *