Cabdullaahi Aaden Kiye oo reer Cali ahaa ayaa reer Haaruun nin ka dilay. Dabadeed Sayidku – si uu reer usoo jiito, wuxuu damcay inuu laba reer fidno, dagaal, iyo guubaabo ka dhex abuuro si aanay gaashaanbuur u noqon oo Daraawiish uga soo horjeesan.ee ay Daraawiish ugu soo biiraan. Gabaygan soo socda ujeeddadiisu waxay la socotaa gabaygii ahaa:
“Cabdullaahi waxaa loo qurajaray, waa qabiil li’iye”
Ninkuu Sayidku ku halqabsaday, gabayganna usii dhiibay Daraawiishi war fiican kama bixin, wuxuuna Sayidku yiri:
Xirsiyow hagaagtaye haddaad, hillinka qaadeyso
Dhexdu waa habheeboo, naftaad u hawalaysaaye
Harraad kama baqaan niman hadday, heli karaayaane
Horweynkiyo haleellada nirgaa, loo hintiqinaayo
Hammuunta iyo gaajada ninkaan, haysan baa qaba e
Haan iyo sibraar baad ku shuban, halab haruurkeede
Hayin baad ku raran qaalin waa, hilay la buubkiiye
Hawdkaad maraysiyo cidladu, way nala heshiise
Halaq iyo libaax horara iyo, haayir iyo tuugga
Astaadkaa ku heli oo Rabbuu, kaala hoos geliye
Habeenkaad Ogaadeen tagtoo, reer Isaaq hoyato
Hawraartaan kun faro iiga gee, hagari nwaa ceebe
Ha’dana yey ka dhicin xarafta, waa lagu hagaajaaye
Hadle1 iyo Umaad2 iyo Yuusuf Qaraf3, hadalku waa qaan dheh
Jiciirkii4 hormuudka u ahaa, hoos ahaan ugu dheh
Waxaad haybta reer Cali ku tari, helay warkiinnii ku dheh
Nimankii huwan ahaa dadkaan, ugu han weynaa dheh
Hiimadaan idiin sidaynay, iyo hadal naloo keenay
Waa laba hiyoo kala fogaan, haab isu lahayn dheh
Haaruun inuu dilay la maqal, horiyihiinnii dheh
Waxaa Haradigeed5 nooga timi, dhimay halyeygii dheh
Mase taladu waa hudur warkay, nagu hasaayeen dheh
Cabdullaahi6 haad inuu cunaan, hanadyo loo laynin
Ay nolol haweystaan kuwii, haniyihii gooyey
Ay heli karaan saas guntii, haarufta lahayde
Hurrihii7 xunka ahaa inuu, waran ku haylhaylo
Oo halawda jaray geesigii, lagu hagaagaayey
Oo midab haldhoolow tukaha, siiyey hilibkiisii
Waa haramcad aargoonle cunay, hadalka qaarkiise
Bah-Dhulbahante hoog kama maqnoo, heeran boqontiiye
Waa hadaadun reer Maxamedkay, hibadu saarrayde
Alleyle halkaa uma ilayn, horinta Guuleede
Nimankaan hubkoodiyo ogaa, halalacayntoodii
Aan qolo ku haystaa dhaqnayn, haybad iyo xoolo
Nimankii hubka caddaa midgaan, hoorle laga yeelye
Aan hubsado halkay fali kuwaa, lagu hariiryeeyey!
Waxaan ka qoray Xaaji Aaden Xuseen sanadkii 1955kii.
1.Hudle: Hudle (Boojaali) Yuusuf Maxamed
2.Ina ayihiisii la garan waa.
3.Yuusuf Qaraf: Yuusuf Iimaan Cumar.
4.Jiciir:Jiciir Maxamed Liibaan Jiisoow.
5.Haradigeed: Waa 28 balli oo u dhexeeya Harafaafan-yar iyo Harahabaskuul.
6.Cabbaas: Aw Cabbaas Xuseen Muuse, waxaa lagu dilay shirqoolkii Gurdami.
7.Hurre: Ibraahim-Bayr Xasan Odowaa.
Cabaas Aw Xuseen waa noolaa ilaa 1920 iyo Raid waxanu ahaa raggi Taleex ka baxsaday ee Qoraxay ku danbeeyey, Aw Cabaas Xusseen iyo Cabaas Aw Xuseen haday isku qof yihiin siday u badantay Aw ga ayuun baad meel qalad ah galiseen ama Ingiriiska ayaa Aw ga meel qald ah galiyay sir doonkoodu.