Yearly Archives: 2014

Qays iyo Leyla

Layla iyo Qays, waa sheeko jacayl ah oo ka mida sheekooyinka ugu caansan bariga dhexe, sheekadan waxay taariikhdeedu u noqoneysaa ilaa qarnigii 7aad, Layla iyo Qeys waa sheeko sida oo kale ku faaftay Waqooyiga Afrika iyo Hindiya, hadaba Layla iyo Qeys maxay ahaayeen? Sheekadoodu sidayse u dhacday?
Nin la odhan jiray Majnuun (ninkii waalnaa) oo magaciisa caadiga ahi uu ahaa Qays ayaa Layla kula kulmay si kedis ah meel ay dumar xaflad ku lahaayeen dabadeed wuxuu bilaabay inuu geeliisii gawraco munaasibadaa haweenka awgeed, haweenkan waxaa ku jirtay Layla, Layla waxay jacayl u qaaday Qays isna mid kii la mida ayuu u qaaday, si dhakhso ah ayaa Qays u doonay Layla in uu u geed fadhiisto oo uu weydiisto aabaheed, balse nasiib daro Layla aabaheed hore ayuu nin kale ugu balan qaaday inuu inantiisa siinayo, Qays arrintaasi waa u cuntami weyday wuxuuna ku adkeystay in Layla la siiyo, halka Layla aabeheedna ku adkeystay in inantiisa uu nin kale ugu balan qaaday, Qays wuxuu noqday nin jacayl qaaday laakin inantii uu u qaaday ku hunguubay.
Qays oo jacaylka Layla uu ku dheeraa ayaa ka samri waayey dabadeed wuxuu bilaabay inuu dugaaga weheshado oo uu duurjoogta u tago.
Qays aabihii ayaa isku deyey inuu ilawsiiyo inankiisa jacaylkan haleelay balse Qays xanuunkiisii waa ka sii daray oo wuxuu noqday nin waalan oo xiskiisii ayaa raacay Layla.
Qays wuxuu u tiriyey Layla gabay badan oo uu mar ku amaanaayo, marna ku calaacalaayo, marna uu ku muujinaayo marxaladan cusub ee la soo deristay.
Gabayada Qays uu u tiriyey Layla waxay qayb ka noqdeen suugaanta Faaris iyagoo u isticmaali jiray siyaabo kala duwan, waxaa la sheegaa mararka qaar inay u isticmaali jireen hees hawleedyo.
Isla marka uu Qays ku sugnaa xaaladaas Layla waxay joogtay gurigooda oo lagu ilaalinaayey iyada oo gabayada uu tirinaayo Qays ay ka dhigeen Layla mawduuca qudha oo lagu sheekeysto iyo xanta dadka. Layla aabeheed wuxuu balan ku galay inuu Qays ka ilaaliyo Layla, qiimaha ay doonto ha ugu kacdee, waxaa la sheegaa in nin la yidhaa Ibnu Salaam u weydiistay Layla aabbeheed inuu siiyo laakin Layla aabbeheed wuxuu ninkaa u sheegay in inantiisu weli yar tahay oo uu sugo ilaa dhowr sano si ay ugu soo korto.
Qays wuxuu galay nolol adag oo silic leh, sheekadii Qays waxay gaadhay nin la odhan jiray Nezamis oo ahaa nin deeqsi ah oo sida la sheegay boqor ka ahaa dhulkii Faaris ee hada loo yaqaan Iiraan, ninkaas oo isku deyey inuu Qays la taliyo laakin markii uu kala quustay waano iyo talo ayaa la sheegaa in boqorkaa ay ka gaadhay in uu weerar ku qaado Layla reerkii ay ka dhalatay isagoo ka doonayo reerkaas in Layla iyo Qays laysa siiyo hadii kale dhiig daadan doono.
Inkastoo dagaalkii dhacay oo la jebiyey Layla qabiilkoodii hadana aabaheed wuxuu ku adkeystay in aanu marnaba Layla siin doonin Qays isagoo ku dooday in Qays dhulka dhigay oo burburiyey sharaftii Layla, wuxuuna odhan jiray dabeyl kasta oo soo dhacdaa waxay sidaa magicii inanteyda, isagoo sheegay in Layla oo uu Qays siiyaa uu ka dooranayo inuu dilo oo qudha ka jaro Layla.
Boqorkii wuxuu ogaaday in aanu ku guuleysaneyn inuu Layla aabbeheed ku qanciyo in uu isa siiyo lamaanahan isku dhibaateysan faraha ayuuna ka qaaday arrintii Layla iyo Qays, ninkii Layla loogu balan qaaday ayaa doonay inuu ka faa’ideysto jaaniskaa isagoo u yimid Layla aabaheed mar labaad, balse markan si dhib yar ayaaba Layla loo siiyey, wuxuuna Layla u kaxaystay gurigiisii. Qays markii uu maqlay in Layla nin la siiyey ayuu kasii daray wuxuuna wehel cusub ku sii yeeshay keyntii uu markii horeba dugaaga la joogay.
Qays aabihii wuxuu la dhintay murugadii iyo uur xumadii uu ka qaaday noloshii uu la dersay inankiisu isagoo Qays ahaa inanka keliya ee uu lahaa, uuna u jeclaa si aad ah. Qays markii uu maqlay in aabihii hoos maray ayuu xalkiisii ka sii xumaaday intii hore. Balse nin qoyani biyo iskama dhowro. Isaga ayaaba tisii la il daran, wuxuuna aabo ka sii dhigtay oo booskii aabihii u sii buuxshay habardugaagii uu la noolaa.
inkastoo Layla la guursaday hadana ma ay ilaawin jaceylkii Qays waxaana ku sii siyaaday jaceylkii ay Qays u haysay. Layla waxay warqad u dirtay Qays iyadoo uga tacsiyadeyneysa geerida ku timid aabihii waxaanay u sheegtay in ninkeedu ogyahay in ay Qays jeceshahay oo aanu weligeed qalbigeeda ka baxayn.
Mudo ka dib waxaaba dhimatay Qays hooyadii, Laylana waxay fariin u soo dirtay Qays iyadoo u soo dirtay nin waayeel ah una sheegay in Layla ay dooneyso in ay kulmaan. Qays waa raacay ninkii waxaana mar labaad kulmay lamaane is jeclaaday oo dhib aduunyo muquuray, Layla ninkii la siiyey wuxuu ogaa inaanu marna qalbiga Layla ka saari karin Qays.
Balse Layla ninkii la siiyey waa xanuunsaday waana dhintay. Sida dadkaa dhaqanka u ahayd gabadha carmalka ah ee laga dhintaa 2 sanno ayey ahayd inay ku jirto guriga oo aanay mudadaa rag la kulmin.
Layla iyada uma dulqaadan karto mudadaas dheer ee aanay Qays is arkeyn waanay xanuunsatay waanay dhimatay. War xumi dugsi ma fadhiistee Qays markii uu maqlay in Layla ay dhimatay oo dhulka hoos martay ayuu aad uga xumaaday wuxuuna booqday xabaasheedii, halkaasna waxaa ku soo af-jarmay noloshi Qays waxaana uu ka daba tegay Layla oo isna waa dhintay.
Inkasta oo sheekada jaceylka ah ee Layla iyo Qays ay adag tahay in si dhab ah loo helo waayo waxay dhacday qarni aad u fog haddana sidaan ayaa ugu dhow sida maanta loo weriyo.

Libaaxii Indhaha Guduudnaa

Aamina Shirdoon

Bari hore, ayaa waxaa jiray tuulo yar oo ku taalla Soomaaliya, bariga Afrika. Cidhifka tuulada waxaa jiray dhulbeereed hodan ah meeshaas oo ay dadku ka beertaan dalaggooda ooyna ku raacdaan idahooda. Tuuladu aad ayay u qurux badnayd laakiin sidoo kale waxay ahayd mid khatar badan, mararka qaarna waxaa adkayd in laga ilaaliyo dalagga iyo idaha tuulooyinka dariska ah ama tuugta khatarta ah. Xataa waxaa jira sheeko ku saabsan jin kaasoo soo baxa habeynkii oo guba dalagga oo cuna dhamaan adhiga.
Si looga difaaco khataraha, dadka tuulada waxay korsadeen libaaxyo marka ay dhasheen kuwaasoo ka dib noqday ilaaliyayaasha dhulka. Libaaxyadu way xoog badnaayeen waana lagu nastay waxayna ilaaliyaan dalagga iyo xayawaanka waxayna ka dhigeen tuulada amaan. Waxay isku ahaayeen daacad waxayna u dagaalamayaan inay naftooda huraan haddii looga baahdo.
Laakiin maalin, libaax yar ayaa dhashay kaasoo ka duwan kuwa kale, aan lahayn sharafta raxanta kale, libaaxan waxuu ku dhashay indho guduudan kuwaas oo u ifaya sida dabka. Libaaxyada kale way dhibsadeen waxayna sidaa darteed oogu magacaabeen libaaxii qalaadaa Bahdoon taasoo micnaheedu yahay wax meel qalaad ku dhashay. Waxay u bixiyeen libaaxa yar Bahdoon sababtoo ah waxay ka naxsanaayeen sida haddii uuna u raacin tuulada.
Bahdoon noolashu ooma sahlanayn, waxaa loola dhaqmay si xun abidna looma oggolaan inuu la ciyaaro libaaxyada yaryar ee kale. Waxuu u koray si kalinima ah waxuuna badanaa xasuusna in uu qalaad yahay. Indhihiisa guduudan waxay ka saartay raxanta kale libaaxyada yaryar ee xaasidiinta ahna waxay badanaa oogu yeedhaan magacyo wayna ku jeesjeesaan.
Oogu danbeyntii waxaa la go’aamiyay in Bahdoon ay tahay in laga masaafuriyo raxanta, sidaa darteedna waxaa loo sheegay inuu ka tago tuulada oona waligii ku soo noqon.
Maskiin Bahdoon waxuu galay hawdka si uu ubillaabo noolashiisa cusub ee kalinimada ah. Aad ayuu u murugooday, badanaana aad buu u cidloodaa, laakiin oogu yaraan lama joogaan libaaxyadii kale kuwaasoo badanaa ku maadsan jiray indhihiisa guduudan oo badanaa xasuusin jiray in uu ka duwan yahay.
Sanado ayaa la dhaafay Bahdoona wuu weynaaday, waxuu noqday libaax xoogan. Waxuu yaqaanaa ugaadhsiga waxuuna naftiisa ooga sameeyay noolal hawdka dhexdiisa. Laakiin badanaa waxuu ahaa kali waxuuna badanaa tagi jiray cidhifka hawdka habeenkii si uu u soo eego tuuladiisii hore.
Waxuu ku farxaa libaaxyada geesiyiinta ah ee ilaalada ka haya xayawaanka iyo dalagga, waxuuna aad u jeclaaday in uu ku soo biiro oo dib loo oggolaado ka mid noqoshada raxanta.
Waxay ahayd habeyn uun in uu markii oogu horraysay Bahdoon arkay jin daran oo ka soo daganayaa cirkaa oo madaw oo weeraraya tuulada, ku gubaya guryaha iyo dalagga olal ka soo baxaya afkiisa, oo ka dafaya idaha dhulka ciddiyihiisa fiiqan inta uuna bixin habeenku.
Libaaxyadu waxay sameeyeen dadaalkooda oogu wanaagsan si ay u difaacaan tuulada, laakiin jinku waxuu ahaa mid aad u dhakhso badan oo aad u awood badan. Libaaxyo badan waa la dilay habeenkii koobaad Bahdoon waxuu ka daawaday hawdka asagoon waxba caawinaynin.
Jinku waxuu soo weeraray mar kale habeenkii xigay, waxuu soo weeraray marar badan, ilaa ay dadka tuuladu ay aad ooga cabsadeen inay ka soo baxaan guryahooda. Xayawaan badan way tageen, libaaxyadiina si weyn ayay u wax yeeloobeen ayagoo isku dayaya inay difaacaan tuulada; intoodii badneyd waa la dilay inta hadhayna si xun ayaa loo dhaawacay. Tuuladu kama badbaadin weeraro badan oo uu ku soo qaaday jinka daran, qaar dadka tuulada ahna xataa waxay xidhxidheen alaabadooda waxayna u qaxeen hawdka si ay u badbaadaan.
Maalintii shanaad, Bahdoon wuu u adkeysan kari waayay inuu arko waxyeelada tuuladiisii hore marnaba, sidaa darteedna libaaxa geesiga ah waxuu naftiisa oogu dhaartay in uu difaaci doono dadkiisa iyo raxantiisa dhibna ma lahan khaladkii ay horay ooga galeen.
Habeenkaas, Bahdoon waxuu u soo gurguurtay meel ku dhaw tuulada ooy qariyeen geedo dheer dheer kuwaas oo ku safan cidhifka hawdka. Waxuu ku ilaaliyay hal il ah cirka madaw xilliga oo dhan waxuuna dhagaystay shanqadha baalasha jinka ee dhexmaraya hawada. Wuu xooganaa wuuna go’aansaday waxuuna u sheegay naftiisa in uu caawa burburin doono jinka daran oo uu ku soo dabaali doono nabad tuuladiisa uu jecel yahay markale.
Si dhakhsa ah, Bahdoon waxuu maqlay shanqadha baalasha xagga sare.
Waxuu kor u eegay cirka madaw waxuuna arkay humaagta jinka daran ee u soo daganaya jihada tuulada: ciddiyihiisa dheer dheer waxay u iftiimayeen caddaan dhalaalaya sida dayaxa, indhihiisa waxay ka baadhayaan dhulka wax cusub oo la cuno, wuu gaajoonayaa wuuna cabsi galinayaa.
Haddaba Bahdoon waxuu isku geystay dhamaan awoodiisa, dhamaan geesinimadiisa iyo go’aankiisa. Mar alaale marka uu jinku ku soo dagtay tuulada dusheeda, Bahdoon waxuu weerar ka soo qaaday hawdka wuuna hinraagay asagoo wata dhamaan calool adeeggiisa. Jinku waa fajacay wuuna baqay inuu arko labo indhood oo olal ah oo ka soo baxaya hawdka, iyo hiinraaga libaaxa geesiga ah ayaa cabsi ku riday calool jileeciisa.
Bahdoon wuxuu u booday hawada waxuuna ku duubay cidiyiihiisa xoogga badan seynta jinka waxuuna ku soo tuuray bahalka dhulka. Libaaxa geesiga ah iyo jinka shaydaanka ah ee daran waxay galeen dagaal, laakiin si dhakhsa ah jinka waxaa ka tagtay awooddiisii markii uu ka hor yimid dagaalyahan xirfad leh.
Bahdoon wuu ka xoogbatay wuuna ka geesisanaa jinka kaasoon loo isticmaalin ka hor imaad sidan oo kale ah. Indhaha gaduudan ee Bahdoon waxuu ifiyaa habeenka si uu oogula dagaalamo jinka, waxayna si dhakhsa ah dadka tuulada ooga soo baxeen guryahooda waxayna billaabeen inay ku farxaan Bahdoon kaasoo sameeyay dagaalka geesinimada libaaxa tan xataa oogu adag.
Oogu danbeyntii, Bahdoon waxuu ku guuleystay dagaalka waxuuna dilay jinkii.
Sidoo kale xoogaw libaaxya ah oo hadhay waxay ku farxeen geesinimada Bahdoon dhamaantoodna waxay u dabaal dageen guushiisa uu ka guuleystay bahalka. Tuuladu waxay noqotay amaan markale kuwii u qaxay hawdkana waxay ku soo noqon karaan guryahooda oogu danbeyntii waxayna bilaabi dib u beeridda dalaggooda iyo u korinta baraar iyo waxarro inay noqdaan adhi sidaa darteed waxay haysan karaan markale caano iyo burcad ay cunaan.
Bahdoon waxaa dib loogu soo dhaweeyay raxanta waxuuna noqday dagaalyahanka loo dabaaldago ee tuulada. Libaaxyadu aad ayay ooga xumaadeen in ay u diraan hawdka, ka dibna waxayna garawsadeen maadaama uu ka duwanyahay inayna ahayn in loola dhaqmo si duwan.
Oogu danbeyntii, libaaxa geesiga ah waxaa loo oggolaaday raxanta waxayna ahayd markii koobaad ee noolashiisa uu dareemay inuu xigto leeyahay. Bahdoon waxuu ku soo noqday wadanka.

Qeybta 30aad

Dhimashadii Amusis kolkiiba lama ogaan mugdigii iyo qaskii awgeed. Jetro baase u qayliyey colkiisii oo ku amray in ay weerarka joojiyaan. Dabadeedna wuxuu askartii boqorka ka codsaday in ay dhigaan hubka. “Boqorkiina wuu dhintay,” ayuu Jetro ku baaqay, “Amuba ha noolaado, boqorka xaqa ah ee dadka reer Reebu.” Askartii Amusis sidii bay oggolaadeen waayo giddigood way necbaayeen Amusis. Jetrona hadalkii buu sii waday oo wuxuu yidhi, “Ma habboona in aynu gudaheenna ka dagaalno. Cadawga kali ah ee aynnu leenahay waa Masaarida. Waxaan filayaa in qaarkiin i garanayo, waxaan ahay Jetro. Isoo raaca aan Masaarida dalkeenna ka xorraynee. Imikada aan joognana Boqorkeennii yaraa ayaa ku sii socdaa oo weeraraya xeradooda.”

Shaw ragga Amusis baqdin uun baa daba waddaye wax kalgacalba uma ay hayn. Hadduu Jetro hadalkii dhameeyeyba qaylada ayaa gees ka gees is jiibisay, “Ha noolaado Amuba, Boqorka Reebu.”

“Madaxdiina soo dabagala oo isoo raaca,” ayuu ku amray Jetro. Intaanu eraygiiba dhammaynna askartii Amusis ayaa ku soo darsantay kooxdii Jetro. Markiibana waxa gucle weerar lagu qaaday xeradii Masaarida iyo halkuu ka dagaallamayey Amuba. Markuu Jetro soo gaadhay derbigii xerada Masaarida ayaa wuxuu arkay in Amuba mar horeba jiidhay oo uu ilaa seddex guri oo xigayna qabsaday. Halkaase ay dhaafi kari waayeen sababta oo ah colka Masaarida markii hore qaflad ayaa lagu qabtay laakiinse markiiba hab difaac ayey isku nidaamiyeen oo fallaadho ayey ku hakiyeen weerarkii reer Reebu.

“Wax walba si fiican ayey u dhaceen,” ayuu ku yidhi Amuba. “Guryihii reer boqor gacanta ayaanu ku dhignay Amusisna dhegtaannu dhiigga u darnay. Caawana waxay ila tahay in aynnu dagaalka halkaa ku joojinno. Masaaridu labanlaab ayey innaga badan yihiin, marnabana dagaal badheedh ah iskagama xajin karno, sidaa darteed waxaan damcay in aan farriin u diro odayaasha magaalooyinka innagu dhaw; uguna warramo in Amusiskii la necbaa la dilay. Markay maqlaan in aad adigu hadda Boqorka tahay, ciidankii Masaaridana aynnu go’doon ka dhignay, waxaan filayaa in ninkii hub qaadi karayaaba xaggeenna u soo gurman doono. Saddex maalmood waxaan gaadhinna aynnu ilaa labaatan kun oo nin isu gayn doonno. Ciidanka Masaaridana waxay khasab ku noqonaysaa markaa in ay isdhiibaan.”

Subaxnimadli danbe ayuu Amuba amar ku bixiyey in laamo qoyan lala fuulo darbiyada dushooda. Masaaridii markay arkeen calamadii ayey fallaadhii ay soo ridayeen joojiyeen; Deetana Jetro ayaa derbiga guudkiisa fuulay. Wax yar ka danbawna abbaanduulihii ciidanka Masaarida ayaa isna derbigii kale soo fuulay; waxaana fajac ku noqotay markuu maqlay Jetro oo af Masaari kula hadlaya. Wuxuu yidhi Jetro, “Aniga oo ku hadlaya magaca Boqor Amuba, taliyaha xaqa ah ee dadka reer Reebu, waxaan idin leeyahay hubka dhiga. Waxaan idiin sheegayaa in Amusis dhintay, dadkii waddankuna idinku kacsan yahay; ciidankayaguna kiinna laba jibbaar ka badan yahay. Waxaa kale oon digniin ahaan idinku sheegayaa in haddii damac idinka hayo in aad nala dagaalantaan, in taa macnaheedu tahay geeri sugan oo qoorta la idinka wada jaro. Haddaan doonno waxa noo furan in aanaan idin lala diririn ee aannu gaajo idinku dillo.”

“Maxaa yeelay jidadkii wax idiin soo mari lahaayeen oo dhan annaga ayaa haysanna. Meel kaalmo idinka soo gaadhi kartaana ma jirto,” ayuu hadalkii ku sii watey, “meel aad ka qaylo dirataanna ma jiro; kaaga darane, gargaarka idiinku sokeeyaa wuxuu idiin jiraa boqolaal mayl. Waxaa intaa ii raaca, waxaan idiin sheegayaa in Boqorkayagu dalkiinna muddo ku noolaa oo uu og yahay weynida iyo xoogga ay leedahay ummaddiinu. Waxaannu jecelnahay in aynnu heshiis ku wada noolaanno. Sidaa darteed waxa uu idiin oggol yahay inaad si sharaf leh iskaga ambabaxdaan. Haddaan soo qaado lacagtii cashuurta ahayd ee Boqorkiinnu nagu khasbay in aannu sanad walba bixinno, waxaan ogaysiinayaa in lacagtaasi aad noogu badan tahay oo aanaan bixin karayn. Arrintaa ilaa berri aroorta ka soo tashada. Haddaad diiddaanna waxa idinku dhaca kuma jirno.”
Duhurkii ayaa ciidankii Reebu soo batay. Kooxihiiba iyaga oo si habsan u socda ayey soo galeen. Beeraleydii, kalluumaysatadii. iyo xooli-jirkiina iyaga oo si habsan oo mid ama laba isku daba guclaynaya ayey isasoo shubeen; qorraxdiiba intaanay dhicin ayaa waxa ku soo kordhay ilaa toban kun oo nin. Masaaridii maalintaas oo dhan way xasiloonaayeen; Amubana aad buu ugu rajo weynaa in ay yeeli doonaan taladiisii, ha yeeshee habeenkaas oo dhan ciidankiisii heeggan bay u ahaayeen weerar lama filaan ah.

Subaxnimadii ayey Amuba iyo Jetro wada fuuleen derbigii maalintii hore Jetro ka hadlay. Wax yar kadibna abbaanduulihii Masaarida oo dhawr sarkaal la socota ayaa iyana derbigoodii soo fuulay.

“Kani waa Boqor Amuba,” ayuu yidhi Jetro isaga oo ku hadlaya cod uu dadka oo dhan wada maqashiinayo, “waxanu sugayaa jawaabtiinnii.”

“Waxaannu ku goosannay in aannu dalkiinna ka baxno,” ayuu yidhi abbaanduulihii ciidanka Masaaridu, “annaga oo hubkii sidanna, waxase aannu doonaynaa in aannu si sharaf leh u baxno oo aanaa u ekaan ciidan la qabsaday. Waannu dagaalami karnaa hadday sidaasi khasab noqoto oo sharaftayadu halis gasho.” “Sidaa kula gudboon waad yeeli kartaa,” ayuu yidhi Amuba (Taasoo ka yaabisay abbaanduulihii markuu maqlay Boqorkii oo isna af Masri ku hadlaya), “waana laga yaabaa in aad geesi sharaftiisa u dhinta tahay; waxaanse kuu sheegayaa in maanta si walba lagaaga xoog weyn yahay; ta kaliya ee kuu furanina ay tahay in aad qumaati u ambabaxdo, adiga sharaftaadiina wata.”

Muddo hal saac ku siman ayey ciidankii Masar kaga baxeen magaaladii iyaga oo nin walba sahay toddoba maalmood ku filan sito. Amubana wuxuu u ballamiyey in wixii ay u baahdaan laga siiyo meelaha ay ku sii hakanayaan ilaa inta ay dalkooda ka baxayaan.
Hadday Masaaridii libidhay waaba magaaladii oo farxad iyo riyaaq la kala dillaacday.

Amuba isagu intuu maamulkii magaalada kaga tegay Jetro, ayuu Jebron kaxaystay oo u baxay magaaladii yarayd ee ay gabdhaha geeyeen, isaga oo markan si boqornimo oo sharafle u socdaalaya, watana goosan ciidan ah oo fardoolay ah iyo labaataan gaadhifaras.

Magaaladii yarayd markay soo galeen ayaa dadkii si farxad iyo riyaaq ah u soo dhaweeyeen. Kadibna waxay tageen gurigii gabdhuhu joogeen. Wax yar haddii la wada fadhiistay oo inantii Maysa ka yaabban tahay isbeddelka ku dhacay Amuba ayaa labada gees u wada faqday. Go’aankii wuxuu u noqday in Amuba iyo Maysa, Jebron iyo Ruut is guursadeen.

Sidaasaa leebkii bisaddii Bubaysta ku dhacay ayaan wacan ugu dhalay dhallintii.

Qeybta 29aad

Intii ay ilaa Mo’aab gaadhayeen, safarkoodii wuxuu ahaa mid aan shiddo lahayn. Markay Mo’aab yimaadeenna raggii ilaallada ahaa ayaa halkaa kaga hadhay, Jetro wuxuu nimankii mid walba siiyey hadiyad fiican iyaga islamarahaantaa qaadanayaa lacagtii kirada markay ku noqdaan Elana. Markay Mo’aab ka gudbeen qoladeennii waxay foodda saareen daw lamadegaanka woqooyi bari badhtanka ku dhufta. Waxay sii mareen Balmira ilaa ay ku baxeen webiga la yidhaa Furaat ee mara dalalka hadda loo yaqaan Suuriya iyo Ciraaq; waxayna halkaasi qiyaastii noqonaysaa dhulkii beryahaa Asiiriya la isku odhan jiray. Waxay gawda hayaanba waxay ku soo baxeen buuraha u dhexeeya Asiiriya iyo badda Kasbiyan.

Shilal dhawr ah ayaa dawga ku helay, waxayse ugu dambeystii galeen dhulka la odhan jiray Meediya ka dib markay qiyaastil ilaa lix bilood ka sokeeyeen Elana. Dadka Meediya ku dhaqnaa waxay ahaayeen dad guuraa ah oo xagga midabka reer Reebu ay isku dhawaayeen; nabadina ka dhexaysay.

Jetro iyo Amuba hadda waxaa galay dareen nabadeed iyo xiise; waxayse ku tashadeen in ay iska hubsadaan oo ay horta inta ay ogaanayaan waxa dalkoodii ka dhacay labiskii ganacsatada ee ay xidhaayeen sii gashanaadaan. Qummaati ayey deeto woqooyi ugu baxeen oo waxay kolba si fiican u sii nastaanba waxay galeen tuuladii ugu horreysay ee reer Reebu.

In badan ayey ka sii xaajoodeen waxa ay yeeli doonaan kolkay dhukooda galaan. Jetro isagu marka u horraysayba wuu isku sheegi lahaa dadka cidduu yahay; dadkuna hubaal aad bay u soo dhawayn lahaayeen, uguna farxi lahaayeen nasiibka uu kaga soo fakaday Masaaridii qafaashtay. Amubaase isbandhigga dhakhsa ihi ay ku ahayd halis weyn ilaa inta ay ogaanayaan cidda dhulka xukunta. Sidaa ahaan Amuba wax damac ihi kama hayn in uu jagadii aabbihii qabsado oo uu boqor noqdo; waxanu iskaba jeclaa in uu nabadgalyo iyo xasilooni iskaga noolaa dalkiisa.

Warkii u horreeyey ee dhulka ku saabsanaa ee ay heleen wuxuu noqday: in guuto ciidankii Masar ihi magaalo weynta joogaan; dadkuna cashuur aad u badan siiyaan Masar sanad walba. Waxa kale oo ay ogaadeen in Amusis boqornimadii isa siiyey kadib markii ciidanweynihii Masar dhulka ka baxay. Waxanu la heshiiyey saraakiishii ciidanka Masar, sidaa darteedna dadkii uu aad u nacay; isna waxa alla wixii ay boqorkii dhintay qaraabo ahaayeen oo dhan ayuu wada laayey, si aan cid madaxnimada ugula dooddaba aanay meelahaa uga dhawaan.

Amuba iyo Jetro dhawr goor ayey aad u falanqeeyeen waxa Amuba la gudboon in uu ku dhaqaaqo mar haddii ay ogaadeen in boqorka waddanku yahay nin aan bixinayn.
“Laakinse aniga inna damac igama hayo in aan boqor noqdo,” ayuu ku dooday Amuba.
“Waad u dhalatay boqornimada, Amuba,” ayuu ku dhiirriyey Jetro, “Mana aha wax aad adigu maanta dooranayso. Waa danta dadkeenna midda khasab ka dhigaysa in Amusis meesha laga tuuro adiga oo boqorkii xaqa ahaana lagu saaro.” Deeto intuu yara ilkacaddeeyey ayuu raaciyey, “Ilama aha adoo waxaas oo dhib iyo halis ah la soo maray Maysa, haddana doonayso in aad faraha ka qaaddo. Waxaan cindigayga gashaday, haddaan ku fiirinayey lixdii bilood ee ugu danbaysay in aad kollayba waxyaalo badan damacsan tahay.”

“Waa runtaa, Jetro,” ayuu yidhi Amuba ka dib markii cabbaar aamusnaa. “Waana waajib i saaran in aan madaxnimada gacanta ku dhigo oo aan dalka iyo dadkaba ka xoreeyo. Maxayse kula tahay tallaabada ugu habboon ee aynnu qaadi karnaa?”

“Horta waxaynnu socon doonnaa ilaa magaalo yar oo badda ku taalla. Halkaasaynnu guri nin ganacsada ah oo saaxiibkay ihi leeyahay gayn doonaa gabdhaha. Ka dib markaasaynnu, dhulka mari doonnaa waxanaynnu raadsan odayaasha magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka oo dhan iyo wax alla wixii kale ee neceb kuwa dhulka xukuma. Kollay waxaynnu la kulmaynaa saaxiibadeen wixii ka nool. Lagamana yaabo in aynnu la dhib mudanno ururinta col innagu filan oo aynu si qaflad ah magaalada ugu weerarro.”

Markay dalkoodii dhex qaadeen ayuu Jetro dadkii isku sheegay; ugana sheekeeyey siday isaga iyo Amuba uga soo baxsadeen addoonsigii Masar, iyo waxa ay hadda ku talo jiraan. Dadka badidiisu isaga aad bay u yaqaaneen oo kolkiiba way rumaysteen. Amubase way garan waayeen; waxanu deeto qanciyey in Amuba hadda meel kale joogo oo uu sugayo kaliya in dadkiisu u yeedhaan oo boqornimada siiyaan. Warkaa isaga ah dadkii meel kasta ha joogaane, aad bay ugu riyaaqeen.

“Waxaan damacsannahay,” ayuu ku yidhi Jetro dadkii, “inaan ciidan xoog leh ururiyo oo aan ka tuuro Amusis meesha. Markaa waxaa innoo hadhay waa Masaarida oo aynnu iyana dhulkeena ka xorrayno.”

Meeshay tagaanba dabadeed, dhallinyar oo dhan ayaa ku tabarrucday in ay ciidankiisa galaan. Wuxuuse digniin ku bixiyey in ay si qarsoodi ah isu urursadaan, una hubsamaystaan ilaa inta ay isaga war ka helayaan, meesha iyo goorta ay kulmi doonaan. Lix toddobaad intaanay dhammaanba wuxuu isku keenay ciidan lixaad leh. Dabadeed wuxuu magacaabay maalinta lagu kulmi doono buuraha magaalada u dhaw. Koox kastana marka ay yimaaddaan ayuu intuu iskudubbarido uu u yeelayey nin madax u ah.

Dhawr cisho dabadeed ayuu goor habeen ah ciidankii oo dhan meela saldhig ah iskugu keenay. Markuu arkay in ay diyaar yihiin oo ay hubkoodii u dhan yahay ayuu Amuba oo uu taanbuug ku qarinayey soo saaray oo ciidankii oo saf u taagan horkeenay. Hadduu magaciisilba sheegay baa raggii Amuba jac ku soo siiyeen oo hortiisii dhulka isdaadiyeen iyaga oo leh: “Boqorkayagiyow! Ballan waxaannu kuugu qaadaynaa in aannu kula dagaal galno.”

Toddobaad gudihiisa ayaa qabanqaabadii iyo isdiyaarintii lagu dhameeyey. Waxaa lagu heshiiyey in Jetro iyo laba boqol oo nin oo uu xushay magaalada galaan maalinnimada. Qaarna ay xagga badda ka yimaaddaan. Dar kale oo seddexaadna ay mid mid uga galaan irdaha waaweyn ee magaalada; habeenbadhkana ay giddigood bannaanka weyn ee magaalada ku yaalla yimaaddaan. Amuba iyo ciidanka intiisa kale iyaga waxaa lagula ballamay in ay cawaysinka horyimaaddaan irridaha magaalada ee waaweyn mid ka mid ah.

“Marnaba waxa dhici doona kuma talogali kartid,” ayuu ku yidhi Amuba, “waxaan rumaysanhay in raggii innoo wada daacad yahay, hase yeeshee kollayba nin xun lama waayo, markaa sidaa darteed ayaan qaarba qaar inay ilaaliyaan ugu ballamiyey.”

Wax walba sidii loogu talo galay ayey u dhaceen. Raggiina magaaladii ayey galeen iyada oon cidina ka shakiyin. Kuwii xagga badda soo maray oo ahaa kalluumaysato iyagu waxay soo galeen magaalada qaybta badda xigta. Giddigood, mid rnid ama laba labo, ayey iyaga oo seefahoodiina hoosta ugu qarsoon yihiin, magaaladii iska dhex mushaaxayeen. Kuwii magaalada cid ka yaqaanayna guryihii saaxiibbadood ayey iska aadeen.

Jetro markuu magaaladii soo galay wuxuu u tegay nin ay saaxiibbo anaayeen gurigiisa, kaasoo uu farriin u sii diray. Halkaasuu deeto marba marka ka dambaysa kala socday wararka.

Waxaa markiiba soo gaadhay in arrimihii si habsan u socdaan waa mide: ninkii Amusis markuu maqlay imaatinka Amuba ayaa baqdin dhulkii qaadi waayey. Isla aroornimadaana argaagaxii ayuu dhawr nin oo odayaal ah oo uu ka shaki qabay inay isku dhadhawaayeen boqorkii dhintay ayuu xabsiga ku tuuray.

Guutooyin dhoor ah oo ciidamadiisii ka mid ahna dhulka ayuu ku firdhiyey si ay u baadigoobaan Amuba. Waxay ciidamadaasi fatash kula kaceen meelihii Amuba lagu tuhmayey oo dhan. Taasi waxay noqotay war uu aad ugu riyaaqay Jetro, maxaa yeelay wuxuu halkaa ka gartay in aan Amusis cabsiba u qabin nabadgalyada magaalada isla mar ahaantaa waxa yaraatay tiradii askarta magaalada joogtay, oo aan markaan hadda ah kuwiisa waxba ka badnayn.

Jetro wuxuu intii qorraxdu soo jeedday gurigii saaxiibkii ku gabbadaba, kolkuu dhulkii madoobaaday, ayuu magaaladii u soo baxay. Wuxuu markiiba arkay isbeddelka weyn ee magaaladii ku dhacay. Gees dhan ayaa carshaantii laga baabi’iyey oo halkoodii Masaaridii ayaa guryo waaweyn oo dhagax ah ka dhistay. Guryahaas oo ay dayr weyn oo iyaga iyo magaalada inta kale kala ooda ay ku soo wareejiyeen.

Jetro waxa uu warka ku qaatay markay Masaaridu xeradaa dhisteen in ay magaalada inteeda kale ilaalinteedii faraha ka qaadeen. Hase yeeshee irridda weynee xeradooda laga galo ayey dhawr askari dhigeen. Caweysin danbe hadday tahay ayuu Jetro farriin u diray Amuba. Farriintaas oo uu ugu sheegayo in uu irridda weyn ee magaalada ee aan la ilaalinayn ka soo galiyo ciidankiisa, marka ay isaga amar ka helaanna uu weerarro iridda Masaarida.

Xilligii lagu ballamay hadday tahay ayuu Jetro u kacay xaggii irriddii Amuba iyo ciidankiisu ka soo gali lahaa. Ugu horayntiiba sanqadhoodii ayaa u baxday. wax yar ka dibna saf dheer oo iswada daba gambinaya; Amubana madaxooda socdo ayaa irriddii isasoo taagay. Jetro baa dabadeed Amuba ugu warramay xeeladda uu damacsan yahay. Markii la isla oggolaaday ayey Amuba iyo ciidankiisa ku dhaqaaqeen xaggii xerada Masaarida, Jetrona magaalada badhtankeedii oo durba kooxdiisii in door ihi isugu timid ayuu ukacay. Iyagoo sanqadha ilaalinaya ayey ku baxeen banaankii ka sokeeyey guriga reer boqor; dabadeed Jetro ayaa dhawaaqi ay ku ballameen ku dhuftay; isla gacdiibana kooxdiisii intii hadhay ayaa gig soo tidhi oo iyaga oo faashash waaweyn ku gaadhan agtiisi isasoo tubay markiiba irridii guriga boqortooyada ayey faashashkii la dhaceen,. Sanqadhii yeedhay baa habeenkii xasilloonaa meel kasta ka baxday. Durba guriga gudihiisa ayaa qaylo iyo sawaxan fajac iyo baqdin ah la iska daray oo askartii boqorka ayaa darbiga soo boobtay,. Jetro iyo saaxiibadiina falaadha ayaa sida roobka ugu soo dhacday hase yeeshee isla mar ahaantaa ayey jabiyeen irriddii oo isku shubeen gurigii.

Amusis iyo askartiisii gudaha ku jirtay ayaa isku dayday in ay is hor taagaan, nasiibdarrose qafladdii lagu weeraray iyo iyaga oo aan diyaar ahayn awgeed waxba way iska dhicin kari waayeen. Jetro isagu intuu waydaartay raggii foodda iskula jiray ayuu isku aaddiyay Amusis. kan kalana isaga oo cadho iyo farkanax la asqaysan ayuu jilibdhig qaabdaran kolba gees u booday; hase yeeshee girifgiriftiisaba waxaa jiqjiqa u gooyey faashkii weynaa ee Jetro sitay oo markiiba madaxiisii ayaa gees u duulay.

Qeybta 28aad

Habeenkaa nabadqab ayey ku baryeen. Kolkay cadceeddu soo bax tahay, fardihii ayey biyihii iyo midhihii siiyeen iyana afurkoodii ayey cuneen. Hadday cadceeddii qarka godka kala soo baxdayna waddada ayey cagta saareen. Ha yeeshee intaanay hal maylba malaha socon ayaa buuro yar yar oo geestooda bidix gudboonaa waxa madaxdooda kaga soo baxay goosan rag ah oo ku soo maqan. Waxay ahaayeen ilaa boqol nin oo labaatan ka mid ihi fardo fuushan tahay inta kalena daba guclaynayso. Socotadii markiiba way istaageen. Jetro iyo laba nin oo kale ayaa deeto intay maro yar oo cad qori sudheen, taasoo ah amaraad nabadgalyo, ayey xaggoodii u dhaqaaqeen. Qoladii kalena laba nin ayaa soo dhaqaaqday. Cabbaar markii la is hortaagnaa dabadeed, ayuu Jetro ku soo noqday saaxiibbadii.

“Maxay leeyihiin?” ayuu markiiba Amuba degdeg u weydiiyay, kuye, «kooga madaxda ah ayaa wuxuu leeyahay waxa khasab ahayd in aynnu cashuur bixinno uu innoogu oggolaado in aynnu ku dhexmari karno dhulkiisa. Waxan u sheegay inayan raali ka ahayn in aynnu bixinno; nasiib darrose aynaan kaba war hayn. Deeto waxan u sheegay in aan hadda siinayo dhawr xidhmo oo dharka Masar ah, wuuse igu diiday. Waxaanu si badheedh ah u yidhi in uu doonayo in uu wax alla wax aynnu sidanno uu qaato xataa gaadiidkan dhahoo. Markaa waxaan idhi saaxiibbaday ayaan kala soo tashanayaa. Haddii aan sidaa ku heshiinnana marada cad ayaan kor u sii haynayaa.”

“Hadday arrini halkaaba taagan tahay deji marada,” ayuu yidhi Amuba, “maxaa yeelay hantideenna oo la qaataa geerida kama dhacdo. Waxaana innoo khayr roon innaga oo ku dhimanaa. Haddaad si kale u eegtaan, nimanka waabaynnu u jilib dhigi karnaa; sababta oo ah waxaynu nahay seddex iyo labaatan nin oo hub haysta, waanaynnu jiidhi karnaa.”
“Haa, waa runtaa. Waxanse ka cabsi qabaa in badhkood alaabta innaga boobaan inta aynnu qaar la dagaalamaynno,” ayuu yidhi Jetro, “Markaa waxay ila tahay in aynnu horta meel isugu ururrinno. Adiga iyo Jebron, iyo lix ragga ka mid ihina ilaaliyaan iyaga iyo gabdhaha. Intayada kale haddii aannu fardoolaydooda khaarijinno, waxan filayaa in kuwa lugta ku socdaa cagta wax ka dayi doonaan. Sidaas baa ugu habboon. Waxaan filayaa aniga iyo Jebronna in aannu boqol tallaabo ka badan wax kaga dili karaynno fallaadhaha.” Jetro ayaa dabadeed lix nin oo falaadha si fiican u taqaan ka soocay raggii; waxannu ku amray inay wax ka dhiciyaan labada inan. Gabdhihii iyaga waxa la fadhiisiyey awrtii oo weeqaar loo tu’iyey dhexdooda, raraddii iyo bucsharadiina waa lagu soo wareejiyey, fardihii intii hadhaysayna intay shakaaleen ayey awrta agtoodii fadhiisiyeen.

Jebron, Amuba iyo lixdii ninna weegaarka duleedkiisa ayey jilibka aasteen. Intaasi hadday dhammaatay ayuu Jetro calankii caddaa tuuray. Deeto isaga iyo afar iyo tobankii nin ee kale ayaa dhagac ku siiyey budhcaddii.

Fardoolaydii budhcaduna hore ayey u kaceen. Jetro iyo kooxdiisii iyaga oo isku duuban oo warmihiina hortooda qumaati u dhisay ayey daf la yidhaahdeen safkii cadawga. Markiiba fardo iyo ragba waa la isla qalaama rogtay oo gigtiiba budhcaddii ayaa qaar badan dhulka la dhigay. Jetro baa haddana kooxdiisa isku hagaajiyey oo mar labaad rogaal ku laabay. Raggii budhcadda qaarkood ayaa isla qacdiiba jaanta wadhay. Jetro iyo colkiisii baase kala daba tegay oo madaxooga mijo ka sameeyey; qaarna ilaa ugu danbeystii ayey xarbiyeen, dhulkaase la wada dhigay.

Intaasi hadday dhacday ayaa budhcaddii lugta ahayd soo xoontay. Jetro intuu isku duubtay kooxdiisii ayuu dhex jiidhay. Si dhiirran ayey budhcaddu u dagaalantay oo mararka qaarkood waabay isku xeereen Jetro iyo colkiisa, hasa yeeshee intuu faraskii dhex jiidhsiiyey ayuu bidix iyo midig u nacay faas weyn oo uu sitay. Raggii uu wateyna si quman ayey agtiisa uga dirireen oo cadawgii ayey geestoodii ka miidheen.

Cabbaar haddii sidaa la iskula jiray oo gurxanka, tolaayda, iyo dhiigga shalaxda haya la yaabay ayaa budhcaddii jabtay oo cagaha wax ka dayeen ilaa buurihii ay ka soo dhaceen. Maydkii ay goobtii ka yaaceen wuxuu noqday labaatan lug-ku-socotadii ah iyo fardoolaydii oo dhan.

Jetro hadduu wax kala gartay oo uu hareerihiisii eegay, ayaa wuxuu markii ugu horreysay arkay in aanu cadawgii oo dhan la dagaalamayn ee shaw ilaa konton ka mid ihi u soo daba waydaaratay awrtii iyo dhallinyaradii oo ay ku xeersanyihiin.

Dhawaaq ba’an intuu ugu dhuftay kooxdiisii ayuu fay ku siiyey xaggii dhallinyarada. Markiiba kuwii darafta soo xigay ayuu faashka u nacay. Show diqir iyo tii u danbaysay ayuu kusoo gaadhay oo meeshaba. dagaal xun baa ka socday. Wuxuu arkay Amuba, Jebron iyo mid raggii ka mid ah oo geesta soke sutida u haya dhawr budhcaddii ka mid ah raggii kalena geesta shishe si ba’an ayna u dirirayaan. Kolkay Jetro iyo kooxdiisii soo kuleen goobtii baaba dagaalkii joogsaday.

“Allay lehe goortaan u darrayn ayaad na soo gaadhay,” ayuu yidhi Amuba. “Run ahaantii kulkii dagaalka ayaa banan xaggiinnaba soo dayin. Oo waa sidee si xun baa laguu dhaawacaye? Gabdhihii ma nabad qabaan?” Maysa iyo Ruut oo markuu dagaalku joogsaday sarakacay ayaa halkan ka yeedhay. “Haa laakiin, alla seddexdiinaba waa la idin dhaawacay.”

“Waxba haka baqina,” ayuu Jebron ku yidhi cod taag daran, “Waan yar dhiig baxay uun baan u malaynayaaye. Inta badan gaashaanka ayaa iga dhiciyey tumaatidii cadawga.”

Markuu labadii fiiriyey wuxuu arkay in labaduba dhaawacan yihiin. Jebron isaga seef baa daanka lagu dilaaciyey dhinacana waran baa lagaga dhuftay. Amubana labada garab dhexdooda ayaa dhaawac weyn laga gaadhsiiyey. Halkii baa deeto Jetro intuu nabarradii maydhay maryo nadiif ah ku xidhxidhay. Dabadeed wuxuu u tagey raggii kale oo markaa saaxiibbadood gacanta ku hayaan. Nin ka mid ah lixdii ay awrta uga tageen isaga waa la dilay seddex kalana si xun ayaa loo dhaawacay.

Ninkii awrta lahaa isaga waxba ma gaadhin waayo gigtii la isgalayba wuxuu hoosta ka galay saabaankii iyo raradii awrta. Markii nabarradii la wada dayey ayey sahaydii la soo baxeen oo raggii caano, biyo iyo cuntadii kaleba loo qaybiyey; dabadeedna halkii bay ka tukubeen. Seddex nin oo si xun u dhaawacnayd ayaa fardihii qaban weyday; deeto waxa la saaray awrtii. Waxay tukubaanba waxay yimaadeen Betra. Halkaasoo ay isku baxnaaniyeen toddoba maalmood.

Qeybta 27aad

Markuu markabkii ka shiraaqday magaaladii ayuu Jetro u tegay sarkaalkii Masriga ahaa; waxanu siiyey haddiyad habboon. Ka dib markii uu la sheekaystay cabbaar, wuxuu arkay in uu yahay nin aan waxba ka shakisnayn oo isla mar ahaantaa kala talin kara socdaalkooda ay kaga gudbayaan lamadegaanka bari. “Way ii suurtagali weydey in aan la sii socdo markabkii,” ayuu yidhi Jetro. “Waayo wiilkayga yar ayaa aad u xanuunsanaya. Inta markabka kale imaanayana muddo dheer ayey qaadanaysaa, markaa waxay ila noqotay in aan Mo’aab u gaaro si aan uga soo iibiyo bucsharaddan aan sito.”

“Si dhib yar ayey kuugu suurtoobaysaa in aad gaadho Mo’aab,” ayuu yidhi sarkaalkii Masriga ahaa, “dhulka ganacsatada aad baa looga soo dhaweeyaa. Hase yeeshee jidka aad sii maraysaan ayaa halis miidhan ah. Waxad sii maraysaan dhul aan cidina xukumin. Budhcadda lamadegaanka wareegaysaana cidday la kulmaanba way weeraraan. Kaaga darane, hadday alaabta ay kaa dhacaan uun kaaga tegayaan waxba may ahaateen ee waxaa suurtowda in ama ay qudhaba kaa jaraan ama ay addoon kaa dhigtaan oo ay ku wataan. Kolse haddii aad Mo’aab gasho dhulku waa nabad. Waxaase fiican in aad geesta galbeed ka martaan harta milixda ah ee uu webiga Urdun ku soo shubo.”

“Oo sidee uu yahay jidka harta milixda iyo Mo’aab u dhexeeyaa,” ayuu yidhi Jetro.

“Wallaahi, sidaa uma sii adka in kasta oo loo baahan yahay in aad biyo idinku filan sii qaadataan, waayo, ceelashu way kala fogyihiin inta badanna waabay qalalan yihiin. Waxayse ila tahay in aad wiilka kaa buka isaga tagto waayo waxaan ka cabsi qabaa in uu kuu jid mari kari waayo,” ayuu ku jawaabay Masrigii.

“Maya durba wuu soo yar ladnaanayaa kollayba dhib kastuu qabo in aan kaxeeyo waxay ku dhaantaa ma jirto.” ayuu yidhi Jetro. “Haddii aannu harta milixda iyo webiga Urdun galbeed ka marno wax badaniba nooma hadhin ilaa inta aannu ka gaadhayno magaalada badda weyn ee waqooyi ku taaL Halkaana markab ayaannu ka raaci doonnaa ilaa Belisiyam (magaalo bariga xeebta waqooyi ee Masar ku taallay) oo aannu ku tegi doonna dhulkeennii; kana dhakhso badan haddii aannu halkan ku sugi lahayn (ogow: Jetro wuxuu sarkaalka Masriga ah ugu sheekaynayaa sidii oo ay u socdaan Masar).

“Haa waa sidaa,” ayuu yidhi sarkaalkii, “Halistu waxay badan tahay qaybta hore ee socdaalka. Ganacsata dawgaa martaa inta badan waay isku kaxaystaan gaashaanbuur xoog leh si ay iskaga kaalmaystaan budhcadda, sidaa darteed waxaa habboon in aad safar badan oo baxaya sugtaan. Toddobaadkii dhawayd mid baa baxay, waxaana laga yaabaa inay ilaa lix bilood qaadato inta mid kale diyaar noqonayo.”

“Oo maxaa gaadiid ah ee aannu raran karnaa?” ayuu Jetro weydiiyey Masrigii.

“Halkani waa dhul lamadegaan ah, markaa awrta ayaa ugu fiican wax la rarto. Imika waxaan u malaynayaa in uu magaalada joogo nin lix ilaa toddoba awr haysta. Waxaan maqlay wuxuu la socday safar beri dhexdaasa yimid; hase yeeshee wuu bukooday oo wuu raaci kari waayey markii uu safarkii noqonayey. Waxay ila tahay in uu aad u jeclaan doono in aad israacdaan. Bal askari baan ku raacin doonaa gurigiisa ku soo tusa,” ayuu ku jawaabay sarkaalki.

Markii ninkii safarka ahaa loo geeyey ayaa wuxuu Jetro ogaaday in ninku aad u doonayey dad uu sii weheshado ilaa dhulkiisii oo la odhan jiray Meediya, (imikana loo yaqaanno waqooyiga Iiraan) una dhowaa dalka ay Jetro iyo saaxiibaddii u socdeen. Wuxuuse shuruud kaga dhigay Jetro in haddii ay doonayaan inuu raaco ay kiraystaan toban nin oo hub sita oo sii ilaalisa ilaa inta ay Mo’aab gaadhayaan. Sidii buu Jetrona oggolaaday. Wuxuu dabadeed u soo kacay gurigii ay saaxiibbadii ku sugayeen; waxanu uga warramay siday ninka awrta haysta ku soo heshiiyeen.

“Waxaan inoo soo qalqaaliyey socdaalkeenna ilaa Balmira,” ayuu yidhi Jetro, “inta dambana hadhaw baynu ka tashan doonnaa. Ninku wuxuu iga codsaday in aan kiraysanno toban nin waxase aynnu kaxaysan doonaa ilaa labaatan. Maxaa yeelay mar hadday kan innagu soo food lihi yahay socdaalkeenna kii ugu halista badnaa, waa in aynnu aad uga tabaabulshaysanaa. Xagga kharashka, dahabkii Ameres inna soo siiyey ayaan weli hayaa. Bucsharaddii aan ka soo iibiyey Semnehne macaash badan baynu ka hellay. Kollayba lacagta socdaalkan nabadgalyadeenna ku baxdaa waa mid meel u qalanta ku baxday. Waxaan u sheegay ninka awrta leh in aynnu diyaar ku noqon karno ilaa toddoba cisho waayo waxaa habboon in aan marnaba loo qaadan in degdegsiiye inna haysto. Adiguna, Maysa waa in aadan xanuunkaagii been been ahaa dhakhso uga bogsan.”
Toddobadii cisho markay dhammaadeen ayuu Jetro isku aoo ururiyey labaatan nin oo fardahoodii wata. Heshiiskiina wuxuu u dhacay in lacagta kiradooda ah loo dhiibo sarkaalka Masriga ah. Taasoo marka ay soo noqdaan la siin doono ka dib marka ay warqad uu Jetro soo saxiixay ay ula yimaadaan. Warqaddaas oo caddaynaysa in ay waajibkoodii soo guteen.

Gorfagorfayntii tabaabulshaha ayuu ka ogaaday ninkii awrta lahaa in ay Jetro iyo saaxiibbadii doonayaan in ay bari ka maraan harta Milixda; waxanu sheegay in sidaasi fikrad aan toosnayn tahay, “Waxa habboon,” buu yidhi, “in wolow kollay bari la marayo, haddana la raaco dawga mara Betra ilaa Hesbo oo Mo’aab ku taalla. Dawgaa oo ah ka yaalaa ay maraan safaradu. Waxaana dawga isaga ah ku yaalla tuulooyin isku dhawdhaw oo ceelal leh.” “Awrtaydu,” ayuu yidhi ninkii, “waxay socon karaan muddo badan oo aanay biyo u baahan; waxaanse u cabsi qabaa fardaha oo laga yaabo in ay harraadka iska xajin waayaan.”

Jetro taladii ninka awrta leh ayuu raacay; isla mar ahaanta wuxuu ku farxay markuu maqlay in aan socdaalku siduu moodayey u dhib badnaan doonin. Wax walbana dabadeed degdeg baa loo habeeyey; waxayna kooxdii dawga cagta saareen markay qorraxdii fudh soo tidhi. Labadii gabdhood iyaga oo weli dharkii wiilasha gashan ayaa awr rakuub ah loo salaxay oo midba dhinac fadhiisin raaxa leh looga sameeyey. Ninkii awrta lahaana, awrkaa gabadha la saaray oo ahaa ka u horreeya xidhiidhka ayuu hoggaanka u qabtay. Jetro, Amuba iyo Jebronna iyaga oo giddi ku gaadhan fallaadho iyo seefo ayey saddex faras oo la yaqaan ku og kadleynayeen awrta gabdhaha la saaray. Labaatankii ilaallada ahaa toban hore ayey ka socdeen, tobanna gadaal.

“Waa meelahee meelaha ugu halista badan dhulkan?” ayuu Jetro weydiiyey awr-wadihii.

“Inta hore,” ayuu ku jawaabay, “mar haddaynu Betra gaadhnase dhulka intiisa kale waa nabad. Marka hore waxaa innagu soo bixi doona dhul xoog ah oo buuro yar yar leh waana meesha laga yaabo in aynnu dadka guuraaga ah ee lamadegaanka kula kulanno, waayo halkaasay maraan marka ay buurta Siinaay ku socdaan ama ka socdaan. Buuraha yar yar ee bidixda innaga qaban doona ayey ka dhigtaan dhufaysyo ay ku dhuuntaan islamar ahaanta ay ka ilaashadaan socotada banka maraysa.”

“lmisaynu u sii socon doonaa Betra?” ayuu yidhi Jetro.

“Illaa saddex cisho, awrtaase weli dedertii qabta oo waxaa dhici karta in ay laba maalmood oo kali ah innagu qaadato. Haddana waa in aynnu hadda dhakhsanno si aynnu hore ugu dhaafno dhulka halista ah. Markaynnu Betra gaadhno ayeynnu awrta nasin doonaan.” Qorrax aad naartii mooddo ayaa iska soo deldeshay cir aan midh daruur ah lagu ogayn. Holaca kulka ee ka soo kacaya buuraha iyo burcooyinka waxabay la noqotay qoladeennii sidii waxay meel dab laga shiday dhexmarayaan. Hase yeeshee umay jixinjixin ee laba jeer oo kali ah ayey maalintii u joogsadeen nasasho iyo cunto. Hadday cadceeddii casar gaaban isku shubtayna, waxay qalqaalsadeen halkay habeenkaa baryi lahaayeen. Dhawr qarbad oo waaweyn oo ay biyo ku siteen ayey fardihii ka waraabiyeen, Deeto intay awrtii weegaar u tu’iyeen; ayey iyaga iyo raradoodii xero ka sameeyeen; badhtankeediina waxay ka dhiseen taanbuugii gabdhaha. Dushana waxa isaga soo xeeray raggii ilaallada ahaa, oo intay warmihii dhulka ku qotomiyeen, fardihii ku xidhay.

Markii ay casheeyeenba way kala daateen waayo daal buu qof waliba la il darraa. Afar nin bayse ilaallo ahaan ku amreen in ay soo jeedaan. Jetro, Amuba iyo Jebronna waxay ku tashadeen in aanay ragga isku hallayn ee midkoodba mar soo jeedo habeenka; walow nimanka la socdaa ay u sheegeen in haddii xataa la soo weeraro in aan subaxda ka hor aan weerar dhacayn. “Lagama yaabo in ay qaflad innagu qaban karaan,” ayuu yidhi ninkii awr-wadaha ahaa, “maxaa yeelay kollay waxaynu maqlaynaa gurxankooda. Haddii ay inna soo weeraraanna waxa laga yaabaa in ay noqoto waa ku dhawaadka.” Sidaa darteed Jetro soo jeedka hore wuxuu siiyey Jebron ka labaadna Amuba. Waa ku dhowaadka iyo inta ka horraysana isaga ayaa isku beegay.

Qeybta 26aad

Maalintii toddobaad markay cabbaar socdeen, iyaga oo meel kayn yacay ah maraya, ayaa waxay maqleen sanqadh iyo qarjaf la moodo in geedo la jajabinayo. Wax yar ka dibna waxa meeshii ka soo baxay dhawr bahal oo waaweyn madaxyadoodii. In kasta oo aan Jetro iyo saaxiibadii weligood arag maroodi nool haddana way garteen waayo waxay ku arkeen sawirada laga dul qoray dhagaxaanta taalla kaniisadaha. “Ma laga yaabaa in ay inna soo weeraraaan?” ayuu Jetro weydiiyey raggii gadhwadka ahaa. “Sida badan dadka waxba ma yeelaan,” ayuu raggii midkood ugu jawaabay, “waxase. kollay iska habboon in aynnu marinkooda uga baydho.”

Jetro ayaa dabadeed amray in alaabta badideeda la iska dhigo oo lagu dhuuntay jeexjeexyada dooxa dhiniciisa. Markay qolodeennii dhufays qarsoon galeen ayaa maroodiyaashiina bacaadkii dooxa u soo dhaceen. Kooxdii yarayd shibta ayey galeen oo way sugeen. Wax yar ka dibna waxay maqleen jugtii cagta maroodiga. Jetro baa is hayn kari waayey oo madaxa kor u qaaday. Wuxuu arkay maroodiyaashii oo fiirfiirinaya alaabtii ay meesha kaga yimaadeen. “Wallee waxaynu sidanay oo dhan waxay ila tahay in ay cunayaan,” ayuu yidhi. Cabbaar hadday halkii ku sii dhuunteen ayaa waxay maqleen jibaax iyo qarqarjaf iyo geedo jajabaya. Jetro baa haddana madaxa kor u qaaday, kuye, “Alxamdulillaah! Ilaahay wuu inaga kexeeyey.” Maroodiyaashiina iyaga oo cagta marinaya dhirtii sidii oo ay tahay caws ayey buurtii dib uga baxeen. Hadday Jetro iyo saaxiibadeena ku soo yaaceen xamaantoodii, yaab bay afka la kala qaadeen markay bacaadkii u soo baxeen.

Wax alla wixii ay siteen oo waxay arkeen gobolba meel lagu laalay. Taanbuugyadii yar yaraa ee duubnaa iyo dharkii oo waxay arkeen iniba laan ka lulato sidii waxay maroodiyaashii cadhadu ku fidheen. Taa waxa kaga sii darraa waxa alla wixii cunta ahaa midh lagagama tegin. Sibraaradii caanaha iyo biyaha ahaa iyaga badhtanka ayuun baa laga wada qarxiyey. Halkii bay wixii cagtii maroodiga ka hadhay isku urursadeen oo socodkoodii ka wateen.

Seddex maalmood ka dib ayey yimaaddeen tuulo yar oo ahayd halka kala badha labada nin dhulka ay xukumaan. Afartii nin ee gadhwadka u ahaydna halkaasay kaga tageen oo ay kuwo kale ka kaxaysteen ka dib markii ay rukhsaddii loo baahnaa ka heleen ninka dhulka xukumayey. Maalin dabadeed markii ay nasteen wixii ay sahay u baahnaayeenna gateen ayey misoole dawgo cagta saareen.

Laba toddobaad markii ay socdeen ayey taaggii ugu danbeeyey dusha uga soo baxeen bannaan weynihii ishoodu qabatayna waxa ka soo gadaal baxay baddii oo ifka qorraxda la walac dhabanaysa. Laba maalmood oo kale oo cadceed kulul iyo siigo jay naar ah daadinaysa ayey ku qaadatay intii ay bankii badda ka sokeeyey dhaafayeen; waxanay soo gaadheen magaalo Masar laga xukumi jiray oo badda ku taallay. Mar alla markii ay magaaladii soo galeen baa askari Masri ihi kaxeeyey Jetro oo u geeyey sarkaalkii Masriga ahaa ee magaalada xukumayey. Jetro waxa raacay Jebron, Amuba waxay kaga tageen si uu u sii qalqaaliyo meel ay ku degaan inta ay magaalada joogaan ee ay markab sugayaan. Wax xiisa ahba may galin sarkaalkii Masriga ahaa arrintii Jetro iyo saaxiibbadii. Iyaga uun buu dib uga waraystay jiid ay soo mareen sida xaalkeedu yahay. “Kooxo ganacsata ah ayaa jooga badda xeeligeeda kale; waxanay rabeen in ay buuraha ka gudbaan ilaa Semneh,” ayuu yidhi sarkaalkii, “waxanse ku amray in ay sugaan inta aan war ka helayo dawgu sida uu yahay. Waayo canaan baa iga soo gaadhaysa haddii ay wax dhib ihi ku yimaaddo socotada.”

Toddoba maalmood markii ay nasteen ayuu Jetro soo qalqaaliyey markab ay raacaan ilaa magaalada la odhan jiray Arsindo (hadda loo yaqaanno Suways).

Socdaalkli badmarka ahaa wuxuu noqday mid dheer oo dhib iyo shiddo badan. Dabaysha oo yar awgeed ayaa markabkii noqday sidii oo uu meel ku engegay. Kulaylna hadalkiiba daa; wax alla wixii ay berriga ku soo mareen waxa uu ahaa caano iyo biyo marka loo eego kan badda. Dhawr magaalo oo xeebta bari ku yaallay ayey ku yar hakadeen. Magaalooyinkaa oo uu naakhuuduhu ku iibinayey alaabo Masar lagu sameeyey; kana iibsanayey kuwa uu xaggiis u iib geeyo.

Intii aanay soo ambabixin ayuu Jetro u soo sheegay saaxiibbadii in iyagu markabka kaga hadhi doonaan Elana (oo ahayd magaalo ku taallay meesha hadda loo yaqaan Khoriga Caqaba) oo aanay u raaci doonin Arsinoo siduu kula soo heshiiyey naakhuudaha. Waayo sidaasi waxay u suuragalinaysay in aanay ka gudbin waqooyiga bari ee Masar. Halkaasoo laga yaabo in askarta Masar ka raadinayaan iyaga. Hase yeeshee khiddadooda uma ay sheegin naakhuudaha.

Hadduu markabkii Caqaba foodda saaray ayey inantii Maysa iska dhigtay sidii wax buka in kasta kulkii iyo dhibkii badda ka soo qabsaday aanay bukaan run ah ba dhaamin.

Iyaga oo intoodii kalena aad iskugu hawlaya bukaankeedaa iskayeelka ah ayuu markabkii soo galay magaaladii Elana. Jetro baa deeto qaaday oo geeyey guri magaalada ku yaallay.
Magaalada Masaari badani may joogin. In yar oo askar ah iyo sarkaal ka sakow. Kuwaasoo socotadii aad u xiiso galisay waayo waxay arkeen in ay ganacsato yihiin oo ay kollay waxuun ka dheefi doonaan. Magaalada marka laga baxo dhulku wuxuu ahaa lamadegaan aan qiimo lahayn darteed magaalada ayuun bay Masar xukumi jirtay maxaa yeelay dhulka intiisa kale isku hawlid xukun uma qalmayn.

Laba maalmood kolkay magaaladii joogeen ayuu Jetro ku noqday markabkii; waxaanu u sheegay naakhuudihii in wiilkiisii yaraa aad u buko, sidaa darteed in aanay socdaalkoodii halkii ka sii wadi karayn oo ay markabkiisa ka hadhayaan. Waxa kale oo uu sheegay naakhuudihii in, maadaama ay muddo dheer sugi doonaan, ilaa inta uu markab kale imaanayo, uu jecel yahay in uu ka qaato bucsharad uu kula ganacsado dadka dhulka deggan. Taa danbe naakhuudihii. markiiba wuu oggolaaday; waxaanu alaabtii kaga iibiyey qiimo jaban markuu ogaaday in Jetro nooligii intii u hadhay aanu waxba ka weydiinayn, maxaa yeelay markabka waxay Jetro iyo saaxiibadii u soo kiraysteen ilaa Arsinoo. Halkii buu deeto Jetro kaga iibsaday naakhuudihii dhar iyo alaabo Masar lagu sameeyey. Wuxuu isla mar ahaantaa ka iibsaday hub wixii ay u baahnaayeen.

Qeybta 25aad

Habeen habeennada ka mid ah ayaa waxa kaltanka ilaallada lahaa Jebron, Amuba iyo Jetro. Iyaga oo taagii dusha kaga jooga oo sheeko iskula maqan ayuu Jetro mar kali ah qayliyey, “Wallaahi wax baa buurtaa innagu beegan ka dul dhaqaaqaya dhawr jeer oo hore ayaa maqlay shalaw soo dhacaaya. Waxaan hubaase hadda madmadaw soconaya ayaan arkaa markaa.” Dabadeed intuu raggii kale oo dhan u qayliyey ayuu yidhi, “Hubka qaata. Waa la inna soo galay.” Markiiba gig baa la soo yidhi: isla mar ahaantaa ayuu Jetro maqlay sanqadh yar oo agtii qarjaf ka tidhi, dhulk uu yar haab haabtay waaba leeb agtiisa ku dhacay, kuye, “Waar col baa innagu soo maqan! Dabka damiya oo derbiga ku soo gabbada.”

Intii uu hadlayey baa qaylo buurihii gees ka gees isqabsatay oo fallaadhu sida dhibica ugu soo dhacday kooxdii yarayd ee socotada ahayd. Markiiba dhawr nin baa laga dhaawacay; hasa yeeshee amarkii Jetro bay oofiyeen oo markiiba dabki bay wada bakhtiiyeen. “Ku gabbada derbiga,” ayuu Jetro amar ku bixiyey. “Ilaa aad si fiican u arkaysaan; deeto warmaha la diyaar noqda marka ay inna soo weeraraan.”

Raggii socotada ahaa markii ay arkeen degganaantii iyo fikrad toosnidii Jetro ayaa waxay garteen in uu yahay nin waaya arag ah oo soo arki jiray meel lagu dirirayo; sidaa awgeed amarkiisii ayey markiiba fuliyeen. Wax yar ka dib ayaa durba waxaa soo muuqday wax madaw oo col aan yarayn qiyaastii ah.

Socotadii Masaarida ahayd iyagu way sugeen ilaa cadawgii soo dhawaanayey, Intaanay ilbidhiqsiba dhammaan baa fallaadho oodda lagaga soo qaaday, iyana dhibic fallaadh ah ayey ugu jawaabeen; gigtii labaadna gacantaaba la iskula tegay oo warmo, seefo iyo gudmo ayaa isku nacay. Xuftay budhcadu derbiga ku soo fuulaan baa tu la mida dib loogu rogay ama dhegta dhiigga loogu daraa. Dirir qadhaadh oo muddo gaaban soconaysay ka dib baanu weerarkii dhakhsihii uu ku billowday ku la mid ah ku dhamaaday. “Ilama aha in ay soo noqonayaan,” ayuu yidhi Jetro, “waayo, waxay arkeen in aynnu xoog leenahay aadna isu diyaarinnay. Laakiinse mar haddii aynaan aqoon caadooyinkooda waxa habboon in aynnu foojignaano.”

Cabbaar markii ay dhawreen ee waxba sanqadhi waayeen ayey dababkii dib u shiteen, oo raggii dhaawaca ahaa baxnaano lagula kacay. Lix iyo toban baa laga dilay; kontonna waa laga dhaawacay. Budhcaddii iyaga soddon iyo toddoba ayaa derbiga sokodiisii mayd ahaan ugu dhacay; hasa yeeshee intii xagga shishe ku dhimatay tiradooda lama aqoon waayo budhcaddu maydkii iyo dhaawiciiba dib u jabki bay sii qaateen. Mar alla markii dagaalkii istaagay, ayuu Jebron ku cararay xaggii doonyaha si uu gabdhihii laabta ugu qaboojiyo, uguna soo sheego in intoodii yarayd wada nabadqabaan.

Maalintii danbe ayey socdaalkoodii halkii ka wateen iyaga oon wax qulqulad ah oo danbe la kulmin. Waxay socdaanbaba waxay yimaaddeen Al-Makriifa. Halkaasoo ahayd meesha ay socdaalka lugta ah ka billaabeen ilaa ay ka gaadhayaan xeebta Badda Cas. Jetro ayaa naakhuudihii doonnida iyo ciidankiisii kiradii doonnida siiyey; waxayna markaa ka dib billaabeen qabanqaabadli safarkooda qaybtii labaad. Waxay warkii ku heleen in jidka ay sii marayaan ceelal jiraan meelaha lagu nasto. Qabiilooyinka deggan lamadegaanka ay sii marayaanna yihiin kuwo cawaam ah oo halis geliya socotada; waxana caado u ahayd ganacsatada degmooyinkaa ka gudbaysa in ay cashuur lacag ama bucshirad ah bixiyaan si ay dadka dhulka deggani ugu oggolaadaan in ay dhexmaraan dhulkooda.

Laba nin ayaa xukumi jirtay dadka deggan dhulkaa lamadegaanka ah. Kii qaybtiisu sokaysay ayuu Jetro deeto farriin u diray u ku waydiisanayo in ay dhulkisaa dhexmari karaan waxanu siday caadadu ahayd ugu sii dhiibay ninkii farriinta qaadayey qaddarkii cashuurta ahaa. Waxanay sugeen ilaa jawaabtu soo noqonaysay. Toddoba maalmood ka dib ayey afar nin oo reer miyigii lamadegaanka ihi yimaaddeen gurigii Jetro iyo saaxiibbadii ku soo degeen; waxanay sheegeen in ay u yimaadeen si ay gadhwad ugu noqdaan socotada ilaa ay ka baxayaan dhulkooda. Waxay deeto diyaarsadeen laba iyo toban nin oo u qaadda alaabta. Isla mar ahaantaa waxay Jetro la noqotay in aan socdaalkan oo kale haweenku marin. Sidaa darteed Maysa iyo Ruut ayuu dhar inamood u xidhay waayo waxa taa sii dheeraa isaga oo ka cabsi qabay marka ay magaalada xeebta ee Masar laga xukumo tagaan in dadku shakiyaan oo deeto slrtoodii baxsiga la ogaado.

Subaxnimo hore ayey dabadeed waddada cagta saareen. Labadii gabdhood ugu horaystii aad bay u jeclaysteen socodkii lugta, hasa yeeshee intaan maalintiiba dhammaan ayey daal daan rogi waayeen. Qorraxdii baa aad ugu kululaatay. Dhulkiina wuxuu isku rogay xaaluf aan geed madaw lagu ogayn. Inkasta oo aanay wax harraad an mudan sababta oo ah waxay siteen khudrad iyo biyo, haddana gabdhihii lugayskii ayaa ku noqday cadaabtii oo ifka loogu soo saaray. “Miyeynaan wax yarna nasan karayn?” ayey Maysa la warraaqday iyada oo daal iyo luga-xanuun la ilmaynaysa. Jetro ayaa madaxa lulay oo ugu jawaabay, “Waa in aynnu ugu yaraan laba saacadood oo kale soconaa ilaa inta aynnu gaadhayno ceelasha innoogu soo horreeya. Maalinta innoogu horraysa waxan ugu talogalay ilaa lix saacadood.”

Maysa waxay damacday in ay sheegto in aanay intaa ka badan socon karayn, hasa yeeshee Ruut baa dhegta ugu qabatay oo ku tidhi, “Waa in aynnu calool adaygnaa, Maysa. Ogow hadda waa tii aynnu ugu ballan qaadnay in haddii ay inna kaxeeyaan in aynnu dhib iyo halis kasta beerka u dhigi doonno.”

Ereyadaa Ruut ayaa Maysa dhiirranaan u kordhiyey oo aamusnaan ayey tallaabada hoosta ka giijisay ilaa ay ceelashii ka gaadhayeen. “Allaylehe si geesinnimo ah ayaad jid markii uga soo baxday,” ayuu Jetro ku dhiirri geliyey Maysa markii ay degeen, “socdaalka berri aad buu uga gaabnaan doonaa.”

Jetro wuxuu ogaaday in gabdhuhu socodkii maalintii aad ugu daaleen oo ay lagama maarmaan tahay in ay maalinnimada danbe nastaan. Wuxuu deeto raggii u sheegay in labadiisa wiil (waa gabdhihii) aanay socdaalka caynkan oo kale ah u baran, sidaa darteed loo baahan yahay in ay nastaan. Afartii nin ee gadhwadaha u ahaa ayuu iyagana ogasiiyey sidaa, ka dib markuu ugu ballan qaaday in uu mid walba hadyad siin doono marka uu socdaalku dhammaado.

Nasashadii maalintaa ayaa gabdhihii si weyn wax ugu tartay. Cagihii dildilaacay ayey marooyin ku duubeen, taasoo uga fiicnaatay kabihii. Maalintii danbe ayaa waxay socotadii ku soo dhaceen doox buuro hareeraha ka xigaan. Waxay dooxi socdaanba meeliba meesha ka danbaysa ayey buuruhu dooxa labadiisa qar ku soo dhawaanayeen ilaa laba derbi oo dhaadheer ay noqdeen. “Socdaalkeenna intii ba’nayd hadaa waynu soo dhaafnay,” ayuu Jetro ku yidhi gabdhihii markay yimaaddeen meeshii labaad ee ay ku nasanayeen, “Waxaan filayaa in inta danbe maalinba maalinta ku xigta ay ka sii fududaan doonto. Aad baad uga fiicnaydeen sidii aan filayey, waxaan rajo wacanna ka qabaa in uu nabadgelyo ku dhammaan doono safarkeennu.

Qeybta 24aad

Markay casheeyeen ayey shantii saaxiib qof walba meeshiisii bixiyey, iyaga oo dayax shan iyo tobnaad ihi dusha ka ifinayo. Waxaanay iskaga sheekeeyeen amuurihii la yaabka la’aa ee ayaamihii u danbeeyey ay soo mareen. “Hadda,” ayuu ku idhi Jetro Ruut, “Bal waxaad nooga warrantaa sidaad Maysa uu raaci kartay guriga Bataylus. Waanu ka war haynaa sida iyada loo soo qafaashay ee adiga sidee wax kuugu dhaceen?” “Wuxu si deg deg ah ayey wada ahaayeen,” ayey ku jawaabtay Ruut, “Markii hore waxannu maqallay sanqadh lugeed; deeto isla markiiba seddex nin ayaa irriddii soo daafadaysay oo isla qacdiiba xaf soo siiyey Maysa. Intaanay qayloba ka gaadhsiinna madax iyo mijoba waxay kaga duubeen maro. Mid ka mid ihina aniga ayuu igu soo jeestay oo wax uu igu dhuftay garan maayo dhulka ayuu iigu riday. Iminka ma qiyaasi karo waqtiga aan meeshii aallay. Hasa yeeshee markii aan soo miiraabay ee hareerahayga dayey ayaa waxan arkay qolkii oo madhan. Dirqi iyo tu xun ayaan ku kacay; waxanan furay irriddii oo gurigii ayaan dhexqaaday, ilaa irriddii weynayd ee bannaanka. Kolkaasaan arkay afar nin oo Maysa gaadhifaras ku tuuraysa. Isla markiiba xaggeedii ayaan isku sii daayey. Raggii, mid ka midaa se intuu middi iila soo baxay xaggaygii isku soo malmalay. Markaasaan ku qayliyey oo idhi, “Anna i raaciya haddii aad doonaysaan in aan aamuso, haddii kale inta aan qaylo afka gacanta galiyo ayaan askarta idiinku yeedhi.” Markaasaa raggii intay wax ay yeelaan garan waayeen ayey xaggaygii soo eegeen. Anna intay aamusnaayeen ayaan waydaartay oo gaadhifaraskii koray, waxaanan ag fadhiistay Maysa. Waana la nagu kaxeeyey.”

“Si geesinima ah ayaad yeeshay, Ruut,” ayuu ku yidhi Jetro intuu gacanta garabka ka saaray, “La’aantaa hadda halakan maynu wada joogneen, innaga oo socdaalkan dheer u baxayna. Haddana waxay ila tahay labadiina gabdhood qolkiina aada oo si fiican useexda.” Cabbaar ayey Jetro iyo saaxiibbadii intaanay seexan kasii sheekaysteen socdaalka dheer ee ay gelayaan. Naakhuudihii iyo raggiisiina waxay ku hawlanaayeen sidii ay ugu diyaarin lahaayeen doonnida in ay ambabaxdo waa ku dhawaadka. Sidaas awgeed waxba kama ay maqleyn arrimaha ay Jetro iyo saaxiibbadii ka wada hadlayeen. Waxanay taasi siisay Jetro kalsooni in aan socdaalkoodan baxsiga waliba dadina ogaan.

Mar alla markii cadceeddii soo casaatay ayaa doonnidii xadhigga loo gooyey. Neecaw fudud baa gadaal kaga dhuftay, waxayna foodda saareen xaggay qulqulka biyaha webiga ka soo dhacayeen. Dareen riyaaq ayaa saaxiibbadeen laabtooda galay. Gadaal waxay kaga yimaadeen halis dhimasho ah, hortoodana waxaa ka muuqday xiddiggii saadaasha iyo nolol cuddoon.

Sidaasay socdaalkoodii webiga ay maaliniba maalin isu dhiibtay. Gabdhuhu subaxdii iyo galabtii ayey intay doonnida ka daadegaan webiga daantiisa ag lugeeyaan; si luguhu ugu adkaadaan oo ay iskugu diyaariyaan socdaalka dheer ee ay lamadegaanka ku mari doonaan.

Socdaalkii qaybtii hore waxay u dhamaatay markii ay soo gaadheen magaalada la odhan jiray Siyeen (oo imika loo yaqaanno Aswaan). Ilaa meeshan socodka biyuhu aad bay u degganaayeen, doonniduna si fiican ayey u mari karaysay. Wixii halkaa ka roganse dhulka ayaa kor u kaca oo socodka biyaha ayaa noqonayey mid halis ku ah doonni-ku-marka. Waxaa kale oo jirtay in dadka ay markaa ka dib sii dhexmari doonaan ay ahaayeen kuwa laaya socotada.

Waxaas oo halis ah iyaga oo bogga ku haya ayey Siyeen yimaaddeen. Waxanay joogeen seddex maalmood. Waxay iyagu iska jeclaayeen in ay maalintaaba hore u ambabaxaan. Waayo in kasta oo xukunka Masar beryahaas dhaafsanaa meeshan, haddana waxay Siyeen ahayd magaaladada ugu danbaysa ee askartu ku baadho socotada. Hasa yeeshee waxa ku kallifay in ay sii joogaan iyada oo caado ahayd in la nasiyo ragga doonnida ka shaqaynaya dhawr cisho si ay ugu tabaabushaystaan webi-marka dhibta leh ee ka horreeya. Waxaaba kale oo jirtay in ay noqotay in ay habboon tahay in aanay iska dhigin kuwo degdegsan oo baxsad ah.

Intii aanay Siyeenba hagaag uga ambabixin ayuu webigu kor u kacay oo doonnidii xawaarihii biyaha ee ka hor imanayey la cifdhabatay. Naakhuudihii ayaa qoladeeni rakaabka ahayd u sheegay in ay hadday doonaan iska ag socon karaan doonnida webiga daantiisa, gaabinta ay doonnidu gaabinayso awgeed.

Markaasay afartii dhallinyarada ahaa ay ag lugeeyeen. Mar marka ay dabayshu yaraato ee shiraaca doonnidu isku dhacana xadhgo ayey ku jiidayeen si aan daadku dib ugu celin.

Bil hadday socodkaa webi marka ah ee gurguuradka ah ku jireen ayaa waxay yimaadeen Semneh oo ahayd magaalada ay ku ballameen naakhuudka doonnida in uu gaadhsiiyo. Magaaladaa ayuu xukunka boqorka Masar ku joogay. Halkaa marka la joogo webigu bari ayuu u gudbaa ilaa boqol iyo labaatan mayl; dabadeedna koonfur ayuu u leexdaa; ka dibna galbeed – ilaa uu haddana marka uu magaalada Merow la odhan jiray (magaalada Khartuum ee maanta) marayo uu koonfur u baxo.

Ganacsatadu yaalaa halkii ay wareeggaa dheer ee webiga ay soo mari lahaayeen ayey socdaal dhulka ku gudbi jireen ilaa ay Merow gaadhaan. Inta aanay Semneh ka ambabixin horta waxay isku urursan jireen koox dhowr ah oo hubna sidata.

Sidaa waxa lagama maarmaan ka dhigtay lamadegaanka Semneh iyo Meraw u dhexeeya ayaa meel aan Masar iyo Meraw midna laga xukumin oo halis ah yaalaana ay dhici jirtay in budhcaddu weerarto ganacsatada, waxa ay sitaan ka dhacaan.

Ganacsatadii Semneh joogtay ayuu ka ogaaday Jetro in jidka ugu sahlani uguna dhaw ee ay Badda Cas ku gaadhayaan yahay ka webiga ee u dhexeeya Semneh iyo Al-Makhriifa (oo imika Barbar loo yaqaano). waxay deeto gadeen waxa ala wixii ay alaabo ay ganacsiga ugu soo talogaleen, in yar oo ay kooxda ilaalada ay ku kaxaysan doonaan ugu talo galeen mooyaane waxa loo sheegay in uu jidkaasi halis badan yahay sidaas awgeed waxay la noqotay in webiga iska maraan ilaa ay Al-Makhriifa gaadhayaan, ka dibna ay socdaalka dhulka gali doonaan. Waxa kale oo habboonaatay in ay sugaan ilaa lix bilood. Marki ay dhamaadeenna koox doonyo ah oo baxaysay ayey raaceen.

Dhibaatooyinkii socdaalkaa ay kala kulmeen waxay ahaayeen kuwo aan la koobi karayn, Qiyaastii ilaa lixdan mayl haddii ay socdeen ayaa waxay soo gaadheen meel webigu aad u dhuuban yahay oo labaadiisa daan buuro yihiin, biyahana la moodo in ay meel sare ka soo dhacayaan. Doonyihii ayey joojiyeen, oo intay daantii webiga u baxeen ayey raggii oo dhami isugu tageen oo kolba mid xadhgo dhaadheer ku jiideen ay wada dhaafiyeen meeshii halista ahayd. Habeennimadii ayey rakaabkii oo dhami degeen webigii daantiisii. Shixnaddii ay doonyuhu sideenna way soo dejiyeen oo waxay ka dhigteen derbi ay ku gabbaadaan. Sidaa si le’eg ayey habeen walba markay doonyaha joojiyaan u degayeen meel webiga daantiisa ka mida. Markay seexdaanna waxay buurta dusheeda dhigayeen ilaalo uga digta cadawga.

Qeybta 23aad

“Iminka iyo haatan, Jetro,” ayuu yidhi Amuba, “maxay kula tahay in aynnu yeello? Hadda durbaba waa habeen; waxaana ila habboon in aynnu baxno. Ma kula tahay in aynnu gaadhi faraska ka faa’iideysan karno?” Jetro ayaa cabbaar yar aamusnaa oo ra’yigii ka yar fikiray. Deeto yidhi, “Waxaan u malaynayaa intuu aad u yar yahay oo aanu inna wada qaadi karayn. Hase yeeshee mid baynnu yeeli: Waqooyi ayeynnu u kaxayni si dadku u moodaan raadkiisa in aynnu geestaa u baxsanay.”

“Aniga haddaba gaadhi faraska ayaan diyaarin,” ayuu yidhi Amuba, “adiguna Jetro hawla badan ayaa berri ku sugaya. Waana lagama maarmaan ah in aynnu doonni iyo sahay badan iibsanno. Imika sida ugu habbooni waxaa weeyaan in aad labadiinnu gabdhaha kaxaysaan oo gaysaan gurigii Jigron; idinna meeshaynnu ku dhuumanaynay aaddaan. Sida muuqata, lagama yaabo in durba la inna raacdeeyo, waayo kolka wadaadkan iyo wiilkiisan aynnu dillay caawa gurigoodii laga teebo, waxaa loo qaadan donaa in ay halkan u hoydeen. Ugu horraynna waxaa suurtagal ah in maqnaashahooda laga shakiyo ilaa berri galinka danbe, Markaana u malayn maayo in warku magaalada ku faafin doono wax ka horreeyaa subaxnimada danbe. Haddana anigu gaadhi faraska ayaan hal maalin socod waqooyi u kaxaynayaa ka dibna waan soo lugayn doonaa oo habeen dambe ayaan idiin iman doonaa.”

“Waxay ila tahay in fikradaasi aad u fiican tahay,” ayuu yidhi Jetro, “imikana horta intaynaan tagin waa in aan guriga wixii dhexyaalla oo dhan qulaba geddiyaa oo aan u ekaysiiyaa sidii oo ay tuugo u soo dhacday. Inna keen, Amuba aad ila caawisid hawshee.” Jetro iyo Amuba ayaa gurigii dabo iyo dacal u rogay oo u ekeysiiyey sidii oo tuuga jabsatay. Dahabkii iyo alaabtii kale ee qaaliga ahaydna ceelkay ku gureen. Deeto kuwii ay xidheen ayey hubsadeen in ay furan karayaan iyo in kale. Amuba ayaa dabadeed, intuu labadii faras ee gaadhifaraska jiidayey ceelka ka waraabiyey gaadhifaraskii woqooyi ula ambabaxay. Kooxdii kalena waddaday cagta saareen ilaa gurigii Jigron.

Habeenkii oo intii badnayd tagtay ayey gurigii u soo dhawaadeen, waxayna la noqotay in waqtiga oo aad u dambeeya awgeed ay habeenkaa dibadda baryaan, labadii gabdhood waxay galiyeen god dhagax laga dhex qoday. Jetro iyo Jebronna godka afaafkiisa ayey seexdeen. Waa ku dhawaad hadday tahay ayuu Jetro u kacay xaggii guriga. Sanqadhii u horraysay hadduu dareemayna irridii ayuu garaacay. Markii laga furay ayuu uga warramay Jigron wixii dhacay oo dhan. Jigron markuu maqlay geeridii Bataylus iyo wiilkiisa, aad ayey fajac iyo baqdin u galisay waxaanu yidhi. “In kasta oo ay niman xun ahaayeen haddana dhimashada Bataylus oo kollay noqon lahaa Wadaadka Sare ayaa laga yaabaa in ay cadhada ilaahyada Masar ku riddo. Inanta yari iyadu danbi kuma lahayn; aad baanan raali uga ahay inaan qariyo ilaa inta aad baxsanaysaan.”

Jigron, dabadeed, wuxuu iskugu yeedhay khaadimadiisii: waxanu u sheegay in qolo saaxiibadii ah oo marti ihi yimaadeen; waxanu ku amray in ay qol u diyaariyaan. Deeto labadii gabdhood ayuu qolkii galiyay iyaga oon cidina arag, waxanu u yeedhay habar addoon ahayd oo gabawday oo uu isyidhi waad ku xog qarsan kartaa. Waxaanu habartii ku amray in ay addoomaha oo dhan galiso warka ah in qoladan martida ahi yihiin qolo saaxiibadii ah oo xagga beeraha u socota, ayna joogi doonaan dhawr saacadood ka dibna qolada ay u socdaan ay u keeni doonto gaadhifaras ay ku gaadhaan, meesha ay u socdaan.

Markuu intaa dhameeyey wuxuu ku soo noqday Jetro si uu ula diyaariyo waxay ambabaxa uga baahnaayeen. Ugu horraystii waxay u kaceen xagga webiga. Halkaas oo ay joogeen, doonyo badani. Mar alla markii la maqlay in dooni kira ah ay raadinayaan ayaa waxa ku soo xoomay kuwii doonyaha lahaa; iyaga oo mid walba doonidiisa xayeysiinayo – orodkeeda, nabadgalyadeeda, habboonaanteeda iwm. Cabbaar markuu indha indheeyey Jigron ayuu ugu danbaystii doortay mid uu is yidhi tanaa ugu habboon. Waxay ahayd mid aan cuslayn oo gudaheeduna waasac yahay; laba qayboodna leh. Waxa fuushanaa hal naakhuude iyo afar nin oo shaqaala ah. Markiiba waxa lagu heshiiyey qiimihii. Dabadeed Jigron iyo Jetro ayaa israacay, waxayna soo gadeen wixii socdaal webi ay uga baahnaayeen oo dhan. Waxay soo gadeen bucsharad ay ugu talo galeen in ay uga ganacsadaan dadka ay sii marayaan, iyo qalab kale oo aad u muhiim ah oo ay ka mid yihiin fallaadho, warmo, seefo iwm. Goor casar gaaban ah ayaana wax walba u dhamaadeen. Dabadeed waxay ku noqdeen gurigii. Halkaas oo Jetro gabdhihii kula kulmay; ka dibna wuxuu u kacay xaggii buurta ee ay ku dhuuman jireen; waxanna uu arkay Amuba oo soo noqday, “Wax walba ma hagaagsan yihiin?” ayey labadii will warsadeen markuu u soo galay. “Haa,” ayuu ugu jawaabay. “Waxaan soo diyaarinnay doonidii iyo wixii aynnu u baahnayn oo dhan. Waxaa kale oo aan soo iibiyey bucsharad aan ugu talo galay in aynnu kaga ganacsanno dadka deggan Merow iyo Badda Cas dhexdooda.”

“Imikana adigu ma gurigii ayaad ku noqonaysaa,” ayuu yidhi Amuba.

“Haa,” ayuu ugu jawaabay Jetro, “Waayo waxaynnu bixi doonaa marka cadceeddu soo baxdo. Idinka, waxaa habboon, in aad meel guriga ka yar durugsan nagu sugtaan; ka dibna sheedda naga soo daba socotaan. Doonnida marka hore meel magaalada ka yar durugsan ayaa la innoo soo taagi doonaa si aynaan magaalada u dhexgalin. Laakinse waxaa loo baahan yahay in aad dhar kale xidhataan si aan la innoo garan.”

Isla habeennimadii oo goor danbe ah ayuu Jetro ku soo laabtay meeshii ay ku dhuumanayeen, waxanu labadii inan u sheegay, “Magaaladii, oo dhami warkii mooyaane wax kale ma hayso. Waxase aad mooddaa in aan dadku labada gabdhood ee guriga ku xidhnaa aanay kaba warqabin. Sidaa darteed waxba kuma jabna haddii Ruut iyo Maysa ay Jigron iyo aniga doonida noo raacaan; idinkuse waxaa ila habboon in aydaan isla mar nala fuulin annaga. Waxaa idiin halis yar idinka oo ilaa tuulada Mita oo labaatan mayl koonfur inooga jirta u sii lugaysaan. Halkaasay deeto doonnidu soo joogsan doontaa habeen danbe oo aydin marka dhulku madoobaado naga raaci doontaan. Waxanan kala ballami doonaa naakhuudaha si aanaan idiin, dhaafin.”

“Hubaal waa fikrad wacan,” ayuu yidhi Amuba, “Waayo Jebron aad bay dadku u yaqaanaan, oo isaga oo sidiisaas ah oo dharkiisaa gashan markaaba waa la garanayaa. Marka waxa habboon in sidaa uu Jetro ku taliyey aan yeello. Iminka iyo haatan anigu maanta iyo xalay ayaan socod ku soo jiray oo waxaan u baahnahay in aan waxoogaa yar seexdo.”

“Iska seexo, anigaa maanta oo dhan hurday oo ku toosin doonee,” ayuu yidhi Jebron. Dabadeed intuu dibadda fadhiistay ayuu xiddigaha fiiriyey. Markuu muddo fadhiyey ee ay la noqotay in waqti laba saacadood lagu qiyaaso ay xidhigihii cirka gudbeen ayuu toosiyey Amuba. Dabadeed labadoodii waxay xidheen dharka ganacsatadu xidhato; waddada ayeyna cagta saareen oo waxay gaadheen wabiga daantiisa. Kolkay qiyaastii labo mayl u jiraan tuuladii Mita, ayey meel geedo badan oo webiga daantiisa ah u leexdeen oo geedaha hoostoodii seexdeen. Wax yar ka dibna waxay la kulmeen Jetro oo raadinayey. “Wax walba ma hagaageen?” ayuu yidhi Amuba. “Wax walba,” ayuu ugu jawaabay, “dhakhsadase aan fuullo doonida e. Gabdhihii baa wali ka shaki qaba in aad soo nabadgasheen iyo in kale. Inkasta oo aan u sheegay in aan wax dhib ihi jidka idinka helayn.”

Dabadeed wuxuu u hor kacay ila doonnidii oo ay ku xidheen meel tuulada halka webiga kaga toosan ku yar durugsan. Markay doonnidii fuuleen ayuu Jetro yidhi, “Waa kuwan walaaladiin. Waxaan soo helay iyaga oo iska wareegaya oo ilawsan in aad idinna la sii sugaysaan cashadii.”

Wiilashii markay qaybtii doonnida ay gabdhuhu ku jireen oo ahayd qol yar oo ah ilaa afar mitir iyo saddex mitir oo gudub ah, ay soo galeen ayey Maysa farxad la warraaqday, kuye, “Ilaahyadaa mahad leh, mar labaad isku keen wada keenay, imikay ii tahay aniga.”

Kolkaasaa nin shaqaalihii ka mid ihi soo galay isaga oo cunto u sida. Markuu ninkii tagay ayuu Jetro u xanshashaqay saaxiibadii oo yidhi, “Arrin baa jirta aan doonayo in aan idiin sheego. Waxay ila tahay in aynaan magacyadeen runta ah isugu yeedhin, si aan loo garan cidda aynnu nahay. Aniga waxad iga dhigaysaan aabbihiin, waayo waan idinka weynahay, Aabbo inaan ahayna waa la imoodi karaa. Amuba isaga waxaynu u bixinaynaa, AMaysan; Jebronna, Jefo.”

“Anigana Miitas ii bixiya. Ruutna Miita ayeynnu odhanaynaa,” ayay raacisay Maysa.

Sidaasaani saaxiibadeen magacyo cusub ula wada baxeen si ay dadka u khaldaan oo aan loo garan ilaa iyo intii ay Masar ka baxayeen.