Yearly Archives: 2014

Cawskii Nugaaleed Ka Badan

Goobtii Jidbaalle ee Daraawiish lagu jebiyey markay dhacday ka dib ayaa waxaa usagoo Daraawiish ku diganaya gabay u soo mariyey, Kaarshe Guuleed Niiqle oo Kaarshe-Salliiq lagu naynaasi jiray. Gabaygan oo aannu mar labaad ku soo sheegi doonno xarafka qaafka ayuu Kaarshe tiriyey:

Daraawiishta qooqani markay nagu qamaamaysay
Maw qarinnay maadhiin qacliyo qabar aan loo sheegin
Maw qubatay sida roob guyoo yare qayoodaaya
Qudha kalama yaabine dagaal qiraleh maw keennay!

Inkastoo Sayidku gabaygaas jawaab ku habboon ka celiyay, haddana Daraawiishi waxay ku dadaashay ninka Daraawiish ku digtay in la dilo isaga iyo walaalkiis oo la oron jiray Xirsi Gardarro.
Kaarshe-Salliiq iyo Xirsi-Gardarro, waxay ahaayeen laba nin oo walaalo ah, waxaa la oron jiray ilmo Guuleed Niiqle. Waxay ahaayeen laba nin oo af iyo addinba Daraawiish far dheeraatay ku noqotay, rag badan bay ka laaycen, xoolana way ka dhaceen.
Col Daraawiish ah ayaa maalin degmadoodii galay, hase ahaatee inkastoo Xirsi la sigay, haddana maalintaa lama dilin, kolkaasaa Sayidku nimankii colka madaxda u ahaa u jeediyay canaan guubaabo ah, oo wuxuu mariyay gabaygan gaaban:

Xirsigii candhada reer lahaa, caaqa inankiisa
Ee cuurarkeenni qirtee, ciiska weyn geliyey
Cidla aniga oo shalay ka helay, ma anan caynsheene

Caqlilaawayaaalow tolnimo, kuma ciseeyeene
Caarkiyo xiniinyaha magliga, kalama ceeseenee
Hilibkiisa waa cuni lahaa, caadaqaataha e

Maantaan caddaaddiyo anoo, canuga oo wiila
Cawskii Nugaaleed ka badan, caalinkuu dilaye
Ma colbaad ahaydeen ragguu, ciirada u laayey

Nimaan ciilba qabin baa I diley, calaf-u-doonkiise
Casho keliya aad maqantahaa, cadad ku dhaafaane
Cadowgay ha jabo ee kobtii, Caliyo maan joogo!

Arag gabayga 88aad.

Afar Halaad Cayuunyahow

Geela Daboolane la baxay ee Daraawiishi Habaryoonis ka dhacday gabayadii laga tirshay ayaa gabaygani ka mid yahay. Wax badan baa geelaas ergo laga daba diray, hase yeeshee, qob iyo qabuul midna lagama gaarin. Markii hadalkiisii batay ayay Daraawiishi goosatay inayan celin iyagoo u cuskanaaya in gardarrada iyo maaggaba looga horreeyey, gaalana garab iyo gaashaan loo noqday. Dhawr gabay oo Sayidku taas ku muujinaayo ayuu mariyey, waxaa ka mid ahaa gabaygan oo uu Sayidku yiri:

Caqlilaawe Iiddoor, waxaadan iigu coobbayn
Afar halaad cuyuunyahow, callinnimo u yeesheen
Mid waa inaad caseeyiyo, cudud gaalo u noqoteen
Midna culuq Allaa oge, horaa wax u cantuugteen
Midna ceeb ma weydide, idinkaa carrada dilay
Marna geela caaqyahaw, calaf baadan ku lahayn

Afartaa cutuubiyaye, cutub kale waxaan iri
Haddaan caamadiinniyo, cuqaashiinna gowraco
Ay culimadiinniyo, caydhiinnu dagaagaan
Aanan caymo kaga tegin, cidihiinna oo idil
Afar halaan cilleeystaan, ciilku iiga bi’ihayn
Mid waa ina-Cutuub1 iyo, Igarraha2 na caalaqay
Midna ka cifayn, culimadeydun layseen
Midna waa calaadkiyo, Colujoog halkuu yiri
Midna waa carruur yahay, cayaartaad igu maagteen

Afartaa cutubiyaye, cutub kale waxaan iri
Haddaan aniga caaqibo, Caynaanshe igu nicin
Cakuse aanu igu oran, Cabdi bariyo reer Weyd
Raggii Ceelcad3 lagu jaray, Cawil iiga soo naqa
Coodkii la qaadana, ciyoon iila soo orod
Ciise4 Dhoollawaa iyo, cashuurtiinna ii keen
Doonnidii la caarshiyo, cukaddiina ii dhiib
Cayn5 iyo dalkaygana, cagta hayga soo dhigin
Dabadeedna cay iyo, cantar yaa la ii celin

Haddakale collownaye, bal cod gabana iga maqal
Haddii laygu caashaqo, caskar iyo maraakiib
Haddii ciidan fara badan, laygu soo carcoorriyo

Hadday soo cabaadaan, cadcad iyo saraakiil
Haddaad soo cafuuftaan, ciiddaa masaalkeed
Haddii cuurarkiinniyo, Ciidagale i weeraro

Cimrigey intaan jiro, cadow hadduusan ii turin
In kastaad carootaan, ama aad curraftaan
Marna inaan cabiidsamo, caqligiinna yey gelin!

Waxaan ka qoray Xaaji Aaden Biixi Boos sannadkii 1957kii.
1.Ina-Cutuubi: Waa Cali Cutuubi, wuxuu u shaqayn jiray Ingiriiska, dabadeedna waxaa la-taliye looga dhigay ciidamadii Ingiriiska ee Daraawiish la dagaalamayay.
2.Ina-Igarre: Xaaji Muuse Igarre. wuxuu ahaa la-taliye Ingiriiska daacad u ah, ciidamadiisana ka tirsan, waxaa lagala tashan jiray arrimaha Soomaalida, gaar ahaan Daraawiishta iyo sidii loo baabbi’in lahaa iyo maammulka dagaalkooda. Wuxuu ku dhintay Hargaysa 19-
3.Ceelcad: Waa toddobada ceel oo xiriira: Dhudub, Gallaadii, Baxdo, Bixis. Yeygalo, Ceelfurdaan iyo Dhunyaayaale.
4.Ciise Dhoollawaa: Wuxuu ahaa Darwiish badmaax ah, wuxuuna qabay Sayidka walaashii, Rooxo Sh. Cabdulle. Isagoo doonni shixnadan wata oo Daraawiish dab uga doonay dalalka carabta ayaa Ingiriis badda ka qafaashay isaga iyo doonnidiisiiba.
5.Cayn: Waa dhulka looga cabbo ceelka Caynaba.

Xirsiyow Cod Gabay

Darwiish la oron jirey Xirsi Diihaal Halanje, ayaa gabaygan ka mariyay shirqoolkii la magac baxay Canjeel beryuhuu dhacay. Gabaygan oo uu Sayidka ku leeyahay Sayiddii nimankaas xarunta iyo diinta ku caasiyoobey diinta ha la cisaaro oo ha la ciqaabo, wuxuuna yiri:

(DH)

Sayiddii cod gabay waanigaan, caarif ku ahayne
Adigaa caddeeyaye kan kale, waa calaanbarade
Nimankii Canjeelkii ku faqay, cirdhib ha beeleene
Oo gaalo inay caawimaan, rabay calooshooda
Oo cuurna tegey cuurna tegi, caawa iyo maanta
Aabbow cadaawaha baxsaday, caro ha loo laayo!

Sayidku markuu gabayga maqlay buu wuxuu ka baqay in lagu digniin qaato, dabadeedna colaadday qabaan la ogaado oo taladoodu caan baxdo. Markaa isagoo canaan waayeel Xirsi u jeedinaya, ayuu mariyay gabaygan, oo wuxuu yiri:

Xirsiyow1 cod gabay waadigii, caarif ku ahaaye
Nin cibaara badan lagu shuboo, caalimaad tahaye
Caqligu kaama suulee wadaad, caaddilaad tahaye

Cimrigiisu raagyow adaan, caashaq kuu ahaye
Cindigaa waxaa igaga jira, adiya caynkaaye
Waxaad igu ciseysaan abtow, waa cashiirada e

Cawo iyo ayaan baan ku helay, cuurka aad tahaye
Cafi iyo caafimaad Eebbahay, idinku cuukeeye
Ilaah ha idin caawimo, ducaan kuu cawilaayaaye

Ka cifada ciyoontaba wuxuu, ferenji kaa cayrshay
Camal suubban iyo ceeb la’aan, cawro ku la’aada
Caydh iyo cadaabkii Allow, cidaha haw keenin

Afartaa intaan kala cayimay, calanka maw taagay
Cunsurtiisa lama seejiyee, cayn ma ka higaadshay
Cuntub kalana waa ninka ay, caradu kaa hayso

Amba ciilka waa kula qabaa, caadda kaa maraye
Cadaawuhu wuxuu ina ku falay, waa cir soo dumaye
Waxba haw calaacalin rag waa, kii calool adage

Wiilyahow catowgaagu waa, camal haweeneede
Haddaad cuurar reeb tahay dagaal, cawga kuu yimi e
Maandhow ciyoon lama ordee, ceerida ha jeexin

Maandhow ha ceelqodin markaad, nala cawaynayso
Cadanyadana yaan lagugu garan, caabuq baa jira e
Sidii nimaan colaad qaadanayn, ciira hays gelinnin

Gorayada callaa loo dhigay, caw ku noqotaaye
Ninkii caaciyoo baafiyaan, cago ku gaarayne
Isagoo careefluu ka hadhi, caallihii wadaye

Ugaadhaba wax lagu caabbiyaa, waa carcoorriga e
Cadceedda iyo kobaha waa laga, cillaataaye
Casharaari bay geli haddaan, laga ceshiimayne

Yeeristaba cabbaar bay Midguhu, u ciddi laabaane
Mar bay caamilaad ugu ridaan, meel ciriiriyahe
Markay caasha keentay mariid, kaga soo cufsiiyaane

Cawshiyo biciidkaba cidlaa, caadadood tahaye
Cid islaama goortay arkaan, waa ka cararaane
Ninkii cimil u gala yaa falladh, cuuraduu dhiga e

Coomaadi samadaa wuxuu, cirarka meeraaba
Casaan dhiig leb goortuu arkuu, ciiro soo kicine
Carshiguu ku soo degi intuu, coofka soo lula e

Aarkuba wuxuu caynta iyo, calaha meeraaba
Maruun buu carraabo ugu iman, reero cidhif yaale
Habeenkaa wuxuu cunana waa, kaga cabaadshaaye

Maroodiga cadhoolaa rag baa, caymiyo rara e
Cududdahana waa laga xiraa, lagu cayaaraaye
Maandhow haddaan la carbiyin, waa cawraqabihiye

Anna ciidda waxaan jiifsadoo, car igu duulaaba
Cirridda iyo suudiga waxaan, calal hagoogtaaba
Cayn nimanka joogaa waxay, igu caraadaanba

Calool xumo daraaddeed waxaan, cagaha jiidaaba
Maruun baa cusaybkii adduun, caalin i dagane
Oo Eebbahay ii cad goyn, culuqya waaweyne

Maandhow cishiyo leyl Rabbaan, calaf ka doonaye
Maandhow ciyoon aarso waa, talo carruureede
Maandhow cirroolaan ahaye, igu ciraab qaado

Maruun baa caseeyaha la heli, caaradhuubyada e
Cuqle miduu ku laabudan yahay oo, caaridaa heliye
Jeeruu curraafkaagu baxo, dirir ka caadeysan.

Waxaan ka qoray Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon, sannadkii 1957kii.
1.Xirsi Diihal Halanje.

Hashaan Dhamaca Jiilaal

Mar Sayidka loogu soo ergooday geel ay Daraawiishi Ogaadeen ka dhacday, Sayidkuna diiddanaa in geela la celiyo, ayuu mariyey gabaygan soo socda:

Hashaan dhammaca jiilaal jihaad, dhooddi uga saaray
Dhuuniga wareegada hashaan, goolalka u dhaatay
Dhaxantii habeennimo hashaan, dheelka ugu guulay

Hashii uu dhuyucu ii muday, dhuundhastiyo jiiqdu
Hashii uu dharkii igala haray, Dhiraha baarkoodu
Dhegta waaga goor hore hashaan, weerarka u dhiibshay

Dhagax waaq hashaan kaga dhigee, dhuumasho u diiday
Dhaharkii Qorraad iyo hashaan, Dhuur ka soo didiyey
Dhoorreey hashii aan ka helay, dhidar Ogaadeena

Ninka iga dhaqaaqoo kufriga, dhalida weyn raacay
Inkastuu dhawaaqoo baryada, kor ugu dheeraysto
Ka dhaartaye haddaan siiyo waan, dhalo falluuqoobay!

Waxaan ka qoray Muuse Cartan oo isaguna rag kale ka soo guuriyey.

Dhabdarrada Ma Qaayibo

Dhowr iyo labaatankii sano ee Daraawiish iyo gumaysiga dagaalkii dhex maray socday, ayaa Daraawiishi waxay dhisatay 56 qalcadood oo ay dagaal ugu tala galeen, waxay ka dhistccn dalka u dhexeeya xeebaha badda Hindiya iyo tan iyo badyarada Cadmeed, webi Shabeelle iyo iliilaha Karkaar. Waxaa muran la’ ah in dagaalkii markii dambc noqday Daraawiish iyo dad intiisii kale. Haddaba mar Sayidku digniin uga timid Ingiriiska iyo dadkuu watay iyagoo ku baanaaya xarunta inay baabbi’in doonaan, ayaa Sayidku gabay ka mariyey. Gabaygan in yar baa naga soo gaartay, wuxuu yiri:

Xuseenoow dhabbaa loo hadlaa, dhaahso hadalkeyga
Dhabdarrada ma qaayibo sidii, dhabbata naagoode
Waxaan daartan dhoobta ula dhici, dhiillo ii timiye

Ragga dhaarta laga keenaniyo, dhoodka iyo faanka
Anigaan wax dhimin bay dagaal, igu dhaloolayne
Intaan dhagaxa nuuradin balaan, dhegaha laadlaadsho.

Waxaan ka qoray Caasha Sh. Cabdulle, sannadkii 1973kii.

Ina-Caliga Dhaaranahayaa

Waxaan gabaygii B-da ahaa ee ka billabanayay “Bogadaawad waataan lahaa, Bari ka soo dhiibe” arrintiisa ku soo sheegnay, in Sayidka iyo Maxamuud Cali Shire gadaal ka colloobeen oo dagaal badani dhex maray, duullaamana la is gashay. Haddaba mar uu Maxamuud Cali Shire Daraawiish geel ka dhacay oo uu geel badan oo Sayidku hore u siiyay ku darsaday, Darwiishnimo ha ku siiyo ama Bullo Cali Shire yarad ha ugu bixiyee, ayuu Maxamuud xoolahaas ku faanay. Dabadeedna Sayidku gabayga soo socda ayuu jawaab ahaan u mariyey. Lama hubo in Daraawiishi gabaygan ka dib geelii dib u soo dhacday iyo in kale, waxaase muran la’ ah in geelaasi ugu dambayntii xarunta ku soo noqday. Wuxuuna Sayidku yiri:

Nimanyahow dibnaha lagama dhaho, dhood aan run ahayne
Ina-Caliga1 dhaaranahayaa, dhoohanow falane
Dhab waxaan ahayn lama raboo, waa dharrici weyne

Dhoodkiisa iyo faanku waa, dhuuso tuug ridaye
Hadalkiisa dhiicada leh yuu, nagu dhalleecayne
Dhaandhaanku waa waxaan aqoon, dhowrsi iyo ceebe

Dhif ha laqee waataan ku shubay, dhaqankii xoolaade
Waalay dhuunigaygii wax badan, dhugux ka siiyeene
Waalay abaaraha dhag yiri, dhereg la jiifeene

Wuxuu noo dhurnumin waayay waa, dhimira gaabnaane
Dhallaan weeye oo waa waxaan, dhowrsi garanayne
Dhirta wuxuu la jiiraana waa, dheelallaahada e

Waa dhaaraan run ahayn wuxuu, dhiibanahayaaye
Wow dhoy la’aan inuu gob iyo, dhalad ismoodaaye
Isu dhererinteyduu ku lumi, dhagafki gaabnaaye

Dhibkii aniga iga gaaray baan, dhiilla noqonayne
Dhiigiisu waa fududyahoo, waa dhurwaa lumaye

Dhuurkiisu waw bixi hashii, dhaayinka ahayde
Calahooda dhaadheer hadduu, dhuumashow geliye
Dhoobada magaalada haddii, dhabarka loo saaray

Inkastuu dhawaaquu la ciyo, dhebi anaa qaatay
Inkastuu dhegeeyada warkaa, dhulalka qaadsiiyo
Marna hadduusan dhaqaaqayn, muxuu dhicidda moodaayay?

Waxaan ka qoray Caasha Sh. Cabdulle, sannadkii 1973kii.
1.Ina-Cali: Maxamuud Cali Shire.

Waayeel Dhadhabay

Darwiishka la oron jiray Nuur-Xaashi Cali Ibraahim, Sayidkuna aad u jcclaa oo uu xoolo badan oo geel, fardo, lo, iyo ariba leh uu siiyay qusuusiddana ka mid ahaa oo uu walaashii C’ambaro Shiikhna u dhisay, oo aan laga filayn xumaan Sayid Maxammed iyo xarunta ku jeedda inuu ku koco, ayaa shirqoolkii Canjeel ka qayb galay. Markaasaa Sayidku qaadan waayey. dabadeedna gabay gaaban ayuu u mariyey oo wuxuu yiri:

Nuuroow1 ninkii dhimira laa, dhowrsadoo baqa e
Mar haddii u dhiirrado xil iyo, dheec Allaa badaye
Ma dheellimatay waayeel dhadhabay, waa dharrici weyne

Mar haddaanan dhiig idinka gelin, dhaqanna kaa qaadin
Oo aannaan hadal dhiifle iyo, dhaw xun idin taaran
Oo aannaan dhimin reer tolkaa, dhamamax mooyaane

Haddii aan dhaqaaliyo wanaag, kugu dhareynaayay
Oo aanan wax kuu dhimin, rag waa la iska dhowraaye
Dhaandhaan miyaa tahay maxaad, iigu dhabatowday?

Rag ninkaan dhurmuumiyaaba waa, dhararaqdiisiiye
Dhurwaaguba haddii uu hal dilo, waa dhayalayaaye
Dheregtiyo ladnaantii miyaad, igula dheelaastay?

Dhifku inuu ku qaban waa hubaa, adiyo dhowrkaaye!
Dhaqsaa Eebbahay kuugu ridi, dhaw aan kaa harine
Waa kuu dhuunkaal soor waxaad, dhugux ka siisaaye!

Waxaan ka qoray Caasha Shiikh Cabdille, sannadkii 1973kii.
1.Nuur: Nuur-Xaashi Cali Ibraahim, wuxuu ka mid ahaa ragga Dariiqada loogu jeclaa.

Wiilyahow Shareecadu

Col Daraawiish ah oo Cumar Shiikh Cabdulle ka madax ahaa iyo dad kale oo Daraawiish xiriir la lahaa ayaa ku duulay dcgmo Daraawiish ka fakatay oo Hawd-galbeed degganayd, geel ayayna ka dhaceen. Hase ahaatee ciidan ka xoog badan baa helay, geeliina ka dhacsaday, iyagiina wax la dilay iyo wax la baqo eryay ka dhigay, waxaana lagu dagaalamay Balli-dhiig. Magacaana maalitaas buu baxay. Calidhuux oo ka mid ahaa degmadii lagu duulay ayaa gabay faana mariyey, meelna ka taabtay Sayidka oo wuxuu yiri:

(SH)
Shuunkii Hartoo wada fadhiya shaaxin golaheeda
Oo Xamar shakaalka ugu jiro shullayarow Maydal
Oo shamaca maadhiinka yari lag iyo shii gaaro
Oo uu shirkooduna dhan yahay shaybe iyo wiilba
Shaqfadlay Bah Geri waa wixii sheemo weeraraye
Cayuun shacabka wiilkii lahaa shaaha karinaayo
Waayeelna xeeb uga shir tegay male Shirshooruuye
Isagaan shaarubloow reer Isaaq shucub aan reebeene
Shamal ay tuntaan iyo haween shuqulkii mooyaane
Sharba idinma daareen haddaad shalay na dhaaftaane
Daraan idin shiddeeyeenba waa naga shisheeyeene
Sheekadayda waad haysataan aniyo Shaywaale
Shanlihii wadaadkaad siddeen shagax ma siiseene!

Dabadeed Sayidku, Calidhuux oo ay horayba colaadi uga dhexaysay ayuu gabaygan gaaban u mariyey, wuxuuna yiri:

Wiilyahow1 shareecadu nimay shuuftay baad tahaye
Shiqiyahow waxaa lagugu nacay sheeka xumadiiye
Shaqfad li’idu waa waxaad u tiri shuun saraan ahaye
Adaan shaato kaa foofahayn sharaf ma laacdeene
Iiddoorka kaa sheexayana uma sharaaddeene
Soomaali waa midaan shidiyo midaan shiddeeyaaye
Adiguna shirshooraad u tahay shirada maantaaye
Shiil baan wadnaha kuugu ridi shuuqda weligeeda
Shifo ma laha geelaan nin lihi ila shaqaynayne
Inaan sheemo weerarana waa shuqul falaadkay e
Inkastoo shareer lagu wadiyo shucubbadii Hawdka
Shaan-shaanka buuraha haddii sheedda laga saaro
Maxaa haatan laga sheelayaa saaddambaan shabine!

1.Wiilyahow: Wuxuu u jeedaa Calidhuux.

Isna Waa Shiddiyo Hoog

Rag badan bay Sayidka wada hadleen ama isu gabyi jireen, Cali Aaden Calidhuux oo ugu dhiirranaa ayaa Sayidka u mariyey gabayo badan oo foolxun. In kastoo Sayidku arrimo kale ku daray masafadan, haddana ujeeddadiisu waa jawaabtii afxumadii Cali Aaden markay la kharaaraatay. Wuxuu Sayidku yiri:

Nimaan sharraxa diimeed, shaynaha ka suurayn
Haddii aad usheegtana shaqfadloo, aan garanayn
Adiguna aad shiikh tahay, usaguna sharmuud yahay
Oo kula shikaayoon, illeen waa shiddiyo hoog!

Nimaad gabar la shaaximay, shuqduf ilaxir ugu gelin
Oo shuqul gohaadeed, shararraaxin ugu dari
Oo sheemadii geel, boqol xerada ugu shubi
Oo shaharka jiilaal, shabcanaaya caanaha
Oo sheelka gurigaa, shirka talada loo wici
Oo kuu shisheeyaa, usna waa shiddiyo hoog!

Bal nin adiga kuu shara, adna aadan shaxeexayn
Shuqulkii yimaadana, shiqiyoo aan yeelayn
Oo aan shaqaaqiyo, shuushuudaa deynayn
Oo shiranka madashaa, sheeddoo isaga bixi
Oo shalay wuxuu dhigay, maanta kuu shintirinayn
Shareecadiyo khayrkana, shifa aan ku dhiganayn
Shaata haddaa ka baridana, shanshada kuugu dhegihayn
Oo shuuqiyoo kari, iblays baa shidaaye
Shanfac oday Alluu-naar, usna waa shiddiyoo hoog!

Bal nimuu shakaashoo, u shaqeeya ferenjiga
Oo shan iyo toban beri, shaabuuga lal dhicii
Shafshafana loo siinayn, kolay shaata mida tahay
Oo shaaca waabberi Cadan, shacabka ugu kici
Aan shuuna oronayn, usna waa shiddiyo hoog!

Bal nin gaal la shaarugay, shaabbaddiina lagu dhigay
Oo shurugga fuudoo, shaarubbada aan xiirayn
Oo ama shukaan wada, ama shuqul kaluu qaban
Muslinkana shabbihid kule, usna waa shiddiyo hoog!

Bakhayl shaacug weynloo, shiila duxa aan lagu qorin
Oo kuu shumbucullayn, intuu mara shullaha dhigo
Oo sheegiyoo been, shaadir barale kugu wari
Oo kuu shafeecayn, usna waa shiddiyo hoog!

Nin shaaficidu rabtee, ku shuhroobay fulannimo
Shimbirahana aan hubin, hadday shabbaxleeyaan
Oo aan shihiidkiyo, shiishkiyo xarbada tegin
Sharaarana aan deynayn, usna waa shiddiyo hoog!

Gabay nimaan shib ka ahayn, misna shaacir ku ahayn
Aan shaqalka ugu dhigin, madka iyo khifiga shaqal
Oo xarafka sheegiyo, xuduuddana shirrabihayn
Oo shooliyoo oran, shafkeygaa wax jiifaan
Sheegaye midkaasuna, usna waa shiddiyo hoog!

Saha Kacay

Wax badan ayuu Ingiriis ku dedaalay inuu Sayidka iyo Daraawiish gacanta ku dhigo, hase yeeshee markuu xoog ku muquunin waayey, wuxuu isku dayay inuu sabid iyo sabaalo ku dayo, si uu samal ugu daadsho. Gumaysigana waxa alabkiisu yahay markuu doonayo inuu wax dago, hadba inuu dad kale ku soo dugaalo.
Wuxuu ku guubaabiyey dadkii dhiniciisa ka soo jeeday inay Sayidka u raraan gabdho guryo wacan ka soo jeeda, xididnimo iyo xaal gobeedna xaajoodaan. hase yeeshee Sayidku taa wuxuu u qaatay qoolad iyo xeelad iyo tusaala-dage, umana khushuucin. Intaa waxaa weheshay dhac iyo weerar iyo tuugo aan damihayn iyo tahluukooyin qarsoon oo Daraawiish kaga immanayay afarta jaho.
Haddaba, markuu Sayidku arkay waxa arlada ka taagan oo xurmo la’aan iyo xishood darro ah, xaaraantii oo la xalaashaday sida uu nin waliba gaalka xaggiisa u xaglinaayey, si xiriir ula yeesho ama xoolo islaameed u dhaco, ayaa waxay Sayidka la ahaatay inuusan ninna aamminin. Gabaygan waxaad Sayidka mooddaa inuu sagootin uga jeedo:

Saha kacay sababahakan dhacay, samada qiiqowday
Sannahaabo iyo qaylo iyo, siigo iyo weerar
Dunideer saraayada col iyo, salowga oomaari

Saaxiibbadeer kala ordee, sadarba meel saday
Sokeeyaha safeyn kala noqdee, suuqyadeys geliyey
Soddognimo qaraabiyo hadday, siiradi dhimatay

Ummaddii salaaf iyo hadday, sagan la roorayso
Hadday saacideen gaaladii, saraca keenaysay
Sallallaahu Nebigii haddii, sowjar1 laga doortay

Saraakiisha dhoorka leh haddii, lagu sarqaamaayo
Suweyn baan dadkiis ahay haddii, sowdka lagu yeerin
Isagu seeruhuu dego haddii, saakun laga yeeshay

Awgii siyaarada lahaa, salal hadduu qaaday
Oo ay sahwiday culimadii, saxal mariikhowday
Saxariirka aakhiro hadday, sax u ogaan weyday

Hadday sanantay maantii sharciga, saaca loo kiciyay
Oo ay subbeehiin noqdeen, silic Alla u keenku
Ka subxaanallaahiye kufriga, sanac hadday moodday

Sidii Eebbehay yiri haddii, laga sawaalaayo
Soonkiyo iyo salaaddii haddaan, suura laga haynin
Sekadii Ilaahay haddaan, suus la bixinaynin

Xajkii sun iyo waabay haddii, loo saddimanaayo
Ninkii soof xerayn jiray haddii, saabir laga yeelay
Sirqadii gabowdiyo haddaan, sebi la dhaafaynin

Sir iyo tuugo saanjigaa la fali, saaka iyo caawa
Subaxdii waleetaba dulmiga, la isku sawalliilin
Saddexdii walliyo been waxeer, suuqa lala meeri

Sunniyo waajib sooryada martida, sadaqaddii iidda
Suugaanta iyo suufinnimo, saamixiddii diinta
Sucdigii haddii laga tagee, samo la diidaayo

Gabar suura aqal saari badan, dadab la saynsabay
Soddon baarro saablay gingiman, sareba ceegaagta
Salli gogola saahood la shiday, saaqatada qaaca

Sannifaad xariiriyo baftiyo, khayli iyo suuti
Sengo buuran soogaan darmaan, salaba guud dheer leh
Sidko ramag seenyiyo idiin, Soobir iyo Ayro

Nimay sararo weyn gool sikiban, qaalmo surunsuura
Abeer suruqda oo awrsanoo, siigan lagu qooqshay
Lo’ sammuulad arigoo sunuumi, sabada oo buuxda

Sareedadii Ilaahay haddii, loo saldhigi waayey
Si gurracan haddii lagula kici, sado ninkuu dhaanshay
Goortii lagaa sido haddaan, lagu salaamaynin

Saadkii hadduu dhici ninkii, lagu sibbaaraayey
Hadduu siir xun kuu qaban ninkaad, sare u qaadaysay
Inkastaad saxiix tahay haddaan, lagu sinaadaynin

Ninkii xaqa u saahida haddii, saa’il lagu maagi
Weliyada sawaabka leh haddii, suufka laga diiran
Haddii aan safiih nimaan ahayn, laga saarrigaynin

Intii kugu sintaarrayd hadday, siifad kula dooni
Nimaan saaqna kaa gelin hadduu, suudi kugu meerin
Adaan sara u yeellayn haddii, lagugu soo haadi

Hadday teeddinimo baaqatoo, siira tari weyday
Saddiiq nimaad ahaydeen hadduu, kuu sallimi waayey
Ninkii kheyr sunneyn jiray hadduu, samir Ilaah joogo

Nimanyahow siyaalaa jiroo, saancaddaa timide
Sifaalaha adduunkeera waa, lala sureeraaye
Malaa saacaddii baa dhawoo, suurkii la afuufye

Sugi maayo kheyrkay wuxuu, seegay waayaha e
Waatii saxaabkii la jaray, suubannaan jiraye
Soddon-guuradii waxay ahayd, sannadda maantaaya e

Siinniyo2 Hindida3 Siidaamo4, Siig5 iyo Reendiinle6
Sudeen iyo Sureer iyo Hawiye, Sab iyo Soomaali
Subeer Maxamad Siwaaq Hartiya, Sade Marreexaane

Sanku neeflc oo idil haddii, saafi laga waayay
Oo aan samaain laga helayn, si xil le mooyaane
Marka inaan dantay seego, waa igu silloonaane

Nin sidayda oo kale noqdaa, sebi ka weynaaye
Ninkii suqayar ii filahayow, sayncaddaan ahaye
Inkastoo la ii saamadaho, sowdka waan garane

Haddii uu nin siriq ii maldihi, samasha ii daadin
Haddaan lay sandihin waan ka didi, saarka laaca ehe
Suryada iyo hantaqa ay qodeen, waan ka suudaliye

Uunkaba saqiir iyo kabiir, waan ka sowlixiye
Inkastay salaax igu wadaan, ima sabaayaane
Sanqadhaan ka didayaa sidii, sanis ugaareede

Sonkor iyo sarreen malabkiyo, sixin ku iidaaman
Haddii lay sanuunado hilbiyo, Sado la googooyay
Saneeggaan ka rogayaa waxay, iigu suul dhabiye

Sii kac oo tag baan oranahayaa, saadambaan imane
Aroos reer suldaan iyo ninkii, sowjad igu dheelmi
Dabadeedna sool hawada iyo, seeri baan xuliye

Saqaafaha cagtaa raadku, waa siisahoo kale e
Markuu saamasaamaha galaa, lagugu suufaaye
Sallax dhagaxa meeshaan lahayn suulashaan dhigiye

Waayeel sahay ii wadiyo, saami iyo xoolo
Sarsarkiyo hadday soo degaan, suuqa gurigayga
Sad inaan ka qaatiyo ma jiro, inaan ka socdaaye

Cimrigay sagaal boqol haddii, lagu siyaadeeyo
Nimankii iblays igu salliday, suruq anaan keenin
Sadarkayga kuma taal inaan, sahal u raacaaye

Haddii seefo iyo maarre iyo, sumuc la ii qaato
Cadaawuhu hadday igu solaan, sakhra naareedda
Meeshiyo Sawaakimi7 haddii, la iga seeraarsho

Sekadii Cadmeed iyo haddii, Saaxil8 la i geeyo
Ferenjiga la saariyo haddii, la igu sooyaansho
Samci maayo sowdkaan ahayn, siinka looxa ahe

Eebbow salaamay anaan, sadarka weydaaran
Mar uun baan sursuuraha ka bixi, saymahaan galaye
Eebbow naflii kale sugaye, adigu ha i soocin!


Waxaan ka qoray Cali Darmaan, sannadkii 1957kii.
1. Sawjar: Waa magac lagu tilmaamo dablaha ciidamada Ingiriiska.
2. Siine: Wuxuu u jeedaa waddanka Shiinaha.
3. Hindida: Wuxuu u jeedaa dalka Hindiya, oo Soomaalidu waagii hore aad ugu dhoofi jirtay.
4. Siidaamo: Waa gobol ka mid ah gobollada xabashidu u taliso.
5. Siig: Waa ceel u dhexeeya Caddadley iyo Buuraha Golis.
6. Reendiinle: Waa shacbi Soomaali ah oo deggan NFD.
7. Sawaakin: Dekad ku taal badda caas ee Suudaan.
8. Saxal: Xiddig fogaan badan oo if-dheer oo 21ka rugoodna ku wareega 30kii sanaba hal mar. Rug walba wuxuu fadhiyaa laba sano iyo badh, Soomaalidu waxay u taqaanna Raage.