Yearly Archives: 2014

Calanside

Iyadoo Taleex la yaal, ammintuna barwaaqo tahay, ayaa Daraawiishtu waxay is dhex mariyeen faraska Muuse Shiikh Cabdille oo la oron jiray Saa’ildoon, inuu ka dheereeyo faras markaa Sayidku lahaa oo la oron jiray Bood-dhegayseed.
Sayidkii xantaas hadduu maqlay waa u qaadan waayay, maantii dambe ayaa labadii faras waxaa loo saaray tartan iyo bedertan. Dooxda Guryasan oo ceelka Taleex dhinaca waqooyi-bari ka xigta ayaa lagu bedray, saddcx goor haddii laysku ceshayna faraskii Sayidka ayaa orod badiyay, duub cad baana qoorta loogu xiray. Maantaas dabadeed, faraskii wuxuu la baxay Calanside, Sayidkuna wuxuu u mariyay gabaygan:

Ninkii door ahaan jiray, hadduu dirir ka waayeelo
Hadduu daabacaadyada meel dhigtoo, daacadda u jeesto
Doqonkiyo haweenkaa u fila, daaldhe caalle ahe

Sange door ah oo laga yiqiin, dunida guudkeeda
Dooyada haddii laba sabeen, laga daddaabyeeyo
Darmaan haatan kacay baa la oron, kanaa ka door roone

Calanside1 haddii lagu danniyey, daalis iyo gaabin
Daraawiishta oo idil hadday, daabbadda u fuushay
Dalaad dheer haddii lala tagee, la isku soo daayey

Libaax kama digsiiyow qalbigu. waygu diirsadaye
Dayaydii horeetaba miyuu, daafta sare meeray

Dadku wuxuu ku faanaa waxaan, duxi ka raacayne
Sidii doxorka Iiddoor bay, dururuqleeyaane
Duhur bay ahayd maalintii. duubka loo xiraye

Dacwadaasna waa la og yahay, Dir iyo Daaroode
Daandaansi wiil ka yar waa, laga diqoodaaye
Goortaad dagaal ula tagtuu, dib isu laabaaye

Duqii Muuse1 koolkoolin jiray, deex ma kaga rooray?
Goortuu u dooddiyay miyuu, dalalagluu rooray?
Allaylahay dambow lama hadlee, dawlad fasakaa ah!

Waxaan ka qoray Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon 1957kii.
1.Calanside: Wuxuu ahaa faras caan ah oo ka mid ah fardaha Sayidka u gaarka ah.
2.Muuse Shiikh Cabdille Xasan.

Nimanyahow Dembow Lama Hadlo

Sayidka siyaasaddiisu waxay ku dhisnayd, ninkuu doonaayo inuu soo dhaweeyo ama soo xero geliyo ama xiriir la yeesho, iyo dadkuu jeclaado inay Daraawiish ku soo biiraan ama reerkii qabno iyo qooro mid kastaaba ha ahaatee qarannimo iyo waxtar lagu ogaado, inuu gabdho wacan u dhiso xoolo iyo xarragana ugu daro, ama isaga iyo madaxda Daraawiisheed ka guursadaan. Ujeeddadu waxay ahayd si labadaa dhinac xiriiku u fiicnaado, kadibna laysu afgarto oo wax loo wada qabsado, maxaa yeelay waayadaas iyo ka horba Soomaalida guurku qaayo iyo qiimo weyn buu la lahaa. Sidaas daraadeed ayaa Sayidku saddex gabdhood oo walaalihiisa ah u kala dhisay saddex nin. Kan u horreeya waxaa la oron jiray Ciise Dhoollawaa, wuxuu ka dhashay guriga reer boqor (Maxamuud Yuusuf), waxaana loo dhisay Rooxo Shiikh Cabdille, ninka labaad wuxuu ahaa Shiikh Ismaaciil oo ahaa nin buuni ah oo cilmi badan, waxaana loo dhisay Jamaad Sh. Cabdille. Kan saddexaadna waxaa la oron jiray Nuurxaashi Cali lbraahin, oo ka dhashay guriga Reer Garaad, wuxuu u dhisay Cambaro Shiikh Cabdille.
Haddaba, horaa waxaa loo yiri: “Fiqi bahdii kama janno tago e, Sayidku markuu nimankaa ka waayay siduu ka doonayay, ayuu gabaygan calaacalka ah mariyay, oo wuxuu yiri:

Nimanyahow dembow lama hadlee, daa’imaan ahaye
Doqonniimo kaliyaan u mari, dabin ciriiryoone
Haddii aan digatoonahay, sidaa uma dufoobeene

Dubaaqii waxaa igala tegay, daqarradii show e
Nin i dagaya doog iyo abaar, deris ma moodeene
Darajooyin kama buuxiyeen, daallin ii cola e

Dugaye Rooxa1 deeq uma baxsheen, dahab la mooddiiye
Deynqaad Jamaad2 uma dhiseen, dakhalkii dheerayde
Daan yacay ma siiyeen Cambaro3, daadduf reer Bariye

Daaldaaladkii guri markay, dan u dhaqaaqayso
Xubna daaci goortay sidii, dani u laafyooto
Cagta debec leh daandaansintiyo, dininix yeeraysa

Dad kale daleel kagama tago, durriyaddiisiiye
Daayacaadda anigaa ku falay, dawladdii Nebiye
Dulbaaxdii nin raga loo ogaa, daaddufyaa helaye

Bal haddaanan duunyo ugu xilan, dabadyadaan siiyay
Oo ayan dirir ii galayn, diinna garanaynin
Goortii la dahay maa dhurwaa, dalandalkii qaato!

Gabaygan waxaannu helnay isagoo la qoray 1329 Hijriyad.
1.Rooxo: Rooxo Sheekh Cabdille.
2.Jamaad Jamaad Sheekh Cabdille.
3.Cambaro: Cambaro Sheekh Cabdille.

Wiilyahow Dammiin Baad Tahay

Mar labaad ayaa Sayidka iyo Maxamuud Cali Shire dagaal dhex maray oo Daraawishi xoolo badan ka soo qaadday, markaasaa Sayidkuna gabay yar oo digasho ah ku yiri.

Wilyahow dammiin baad tahaan, doocna garanayne
Dubaaqaa ku awdane sidaa, uma dufowdeene
Doqonniina keliyaad ku lumi, daayinkay magane!

Dadka nimaadan gaaraynin baad, daalib leedahaye
Daruuraha cishriga waxaad qabtaa, inaad ku duushaaye
Waxse diiday saad damacsanayd, dan iyo taagtaaye

Dacartii aan kuu qooshay baa, duufka kaa qubaye
Waxa diifka kuu yeelay waa, daayicii shalaye
Daalkii manjaha kaa qabtaa, diiray boqontiiye

Mar haddaanad dirir soo gelayn, adiyo duunkaagu
Dudmadaaba kaa roon sidii, dumar haweeneede
Duri midaan tarayn baad tahaye, duulahayow joogso!

Wiilyahow Daloombiyi

Guyaashii Daraawiishi calankeedu horay u socday, dadkuna si lixaad leh hiyiga ugu hayay inuu raaco, ayaa Maxamuud Cali Shire iyo degmadoodii oo dhami iyo madaxdoodii oo dhammi xarunta u soo guureen oo Daraawiish ka mid noqdeen.
Si layaab leh oo aan cidna horay loogu samayn ayaa Sayidku u soo dhaweeyay, waana la xididay oo wuxuu guursaday Maxamuud Cali Shire walaashiis, Bullo Shubato. Dab iyo xoolo aan la qiyaasi karinna waa siiyay.
^ Hase yeeshee, muddo ka dib baa dareen kala galay, dabadeed Maxamuud iyo degmadiisii habeen madow ayay xaruntii ka guureen oo waxay ka soo jeesteen Calmadow iyo guudkeeda.
Sayidku taa waa garaysan waayay oo ergo sammaan doon ah ayuu u diray. Ergadii waxay war la soo noqotay gabay uu mariyay Daadeey Maxamuud Ismaaciil oo halkudheggiisu ahaa:

Wadaadkii Ogaadecn mindhaa, uma wadiiqeeyo
Mar haddaan ka wabaxsaday mindha, weeye ma iraahdo.

Sayidkii wuxuu u qaadan waayay nimankii uu wanaaggii la ogaa u hayay oo habeen madaw xaruntii ka guuray, ergadii loo dirayna tixgelin waayey, hanjabaad iyo baane iyo hadal xumana soo diraya.
lsagoo Sayidku la hadlaya Maxamuud Cali Shire iyo dadka uu madaxa u ahaa, ayuu mariyay gabayga soo socda. Waxaan ka qoray oo aan kasoo guuriyay xaashiyo Sicid Maydh qoray oo aan ka helay Cabdullaahi Qarshe I957kii, wuxuuna Sayidku yidhi:

Wiilyahow dalombiyahayaa, dood aan ku iraahdo
Nin iblays derderay baad tahaan, doocna garanayne
Dabuubtayda maqal waadigii, duuja soo naqaye

Adoo cayr la dulguleyn haddaan, duunyo kugu miisay
Oo deebla geel iyo fardiyo, dahabkii kuu dhiibay
Ari daab masaalkiya haddaan, idin dabaalsiiyay

Haddaan daabbaddii iyo hubkii, idinla daaweystay
Oo aan dunjiga Cali Garaad, duub cad wada saaray
Asaan dowlad kaa dhigay maxaad, duule igu maagtay?

Derajiyo wanaag iyo waxaan, sedo ku deeqsiiyay
Adaan daalinoo socon waxaan, dacalka kuu dhaanshey
Deeqii aan kuu galay miyaad, dadduufyahow eedday?

Daarood anaa kaaga roon, duri abiidkaaye
Wax ku dilaya mooyee ma jiro, axad ku daayaaye
lyaguba dulmay igu faleen, dereg la’aaneede

Oo diifta igu taalli waa, dacatigoodiiye
Goortaan dareemaa qalbigu, ila dawaafaaye
Maxaa dabada kuu suray, nimaan dirirrayoo gaala?!

Afartaa dabraye balaan mid kale, doqonka gaarsiiyo
Bal haddaanu diinkiyo sharciga, dooc ka garanaynin
Oo uu dammiin yahay bal muu, daacufluhu joogo!
Mar hadduuse duullaan gabee, igu dabbaalaynin
Deelqaafka uun buu u xilan, dururuqdiisiiye
Wuxuu dooni inaan ceel dad liqa, dalam ku siiyaaye!

In dawaarku mari waa hubaa, duhur dharaareede
Nin deebaani baaruud situu, daalibahayaaye
Aar diririglayn iyo wed buu, dibad u joogaaye

Mowjada duryami buu galiyo, dirir colaadeede
Duufanka Xiis baa la tegi, dooraweynaha e
Dabaylihiyo foorahana sow, kuma daliil qaato?!

Mar haddaan dagaalamo facay, duudsi ma aqaane
Ingiriisba dibbirooti baa, diiray lowyaha e
Dangaraadyadii buu kufrigu, dalan kacaayaaye

Daandaansi ina-Aadanaa, loogu dowgalaye
Dambaaburo kolkay taabataa, duurku ololaaye
Duulkoodu muu naga ceshado, daaca-qurunkiisa!

Dusha inaan ka rari waa la hubaa, sida dameereede
Hadhow bay sida dayrdhal geel, soo dunuunuciye
Allow yaan intaan danab ku dhicin, daaddufka u sheega!

Waxaan helay isagoo la qoray 65 sano ka hor.

Ararsame Dalkiisii Ka Carar

Waxaan meela kala duwan ku sheegnay in Daraawiish xan iyo bareerba lagu yidhi: Ciid, Nugaal iyo dhulkii dalsanka ahaa waa ka carareen markay degeen Ayl iyo Ilig, taasi waxay ahayd hadal aan sal lahayn, xeeladda Daraawiish iyo ujeeddadooduna waxay ahayd ildayasho, dabadeed maalintii dambe ayay caynka hoosta ka soo geliyeen oo Ciid iyo Nugaal shafka dhigeen, meel kasta oo lagama maarmaan ahna daar ka dhisteen. Kolkaasay dadkii aan Daraawiish oggolayni Nugaal ka carareen. Sayidku gabay ayuu mariyey oo wuxuu yiri:

Ararsame dalkiisii ka carar, door ahaan jiraye

Deexdii Nugaaleed ka baqay, doora weynuhuye

Duuflaale goortii colaad, loola daaljiraye

Dul jooggii badnaa baa eryiyo, dooyadii farase

Diide oo fakade waa waxay, dir u lahaayeene

Kala dide finiinkii sidii, deero iyo cawle

Durdurka iyo darantii ma galo, deebluhuu dhaqaye

Daaraan ka simay ceelashii, dareyda weynaaye

Derbi baan ka riday fereenjigii, dooraduu dhigaye

Dabcigayga uun baan aqoon, duunka uu yahaye

Sidii dowra mudaha waxaan, dibedda meraayay

Dabaqaan la helay gaalo, waan damacsanaa show e

Dabool igama saarreyn inaan, degayo Ceelgaabe

Dib wuxuu ahaan laguma ogayn, deeqa Eebbahaye

Daliilkaa nin ragi waa ogaa, doqonna moogaaye

Dan-u-guurka maantaan arlada, shalay dawaafaayey

Dacwaddoodu waatay ahayd, durug wadaadkiiye

Dadow maqal waxaan soo dul furay, dararkii Caymeede.

Waxaan ka qoray Caasha Shiikh Cabdulle.

Ma Duqaynay Reer Bari

Abbaaraha taariikhdu markay ahayd 1910kii ayaa Daraawiishi laba qalcadood ka dhisatay ceelka Buraan oo ah togga Jiidali daantiisa koonfureed. Hase yeeshee waxaa ka carooday Boqor Cismaan oo markaas u talinaayay gobolka Bari, iyo Garaad Maxamuud Cali Shire oo Daraawiish ka fallaagoobay, madaxna u noqday degmada Laasqoray, Ceelaayo iyo inta raacsan. Labadaa nin oo madaxda ah baa ku heshiiyay in Daraawiish laga kiciyo ceelkaas Buraan, waxayna marmarsiinyo ka dhigteen inay Daraawiishi nabaddooda halis gelineyso, dalkav fadhiyeenna daabkiisii qabsadeen.

Boqorkii wuxuu soo dumay col tiradiisu tahay aayadaha quraanka cadadkooda (6666), Maxamuud Cali Shirena wuxuu soo dumay col aan waxba ka yarayn colka Boqorku soo diray. Madal waxaa noqotay Buraan. Halkaas 80 nin oo Darwiish ah oo Maxamuud Feyte madax u yahay ayaa lagu qur jaray.

Markii warkii soo gaaray xaruntii Daraawiishta oo ahayd Daarcad oo Taleex u dhaw, ayaa laba talo laysku qabtay:

A)     In lagu duulo Buraan ciidanka qabsaday, si looga soo ceshado.

B)     Iyo in la weeraro degmada Garaad Maxamuud Cali Shire oo Raacin taal.

Taladaan dambe ayaa loo guuxay, oo la guddoonsaday.

Daraawiish oo lug iyo faras ah ayaa weerar ku ballaarisay degmada Maxamuud Cali Shire. Ruuxlihi, dad iyo duunya waxay degmadaasi lahaydna gacanta midig bay ku dhigeen.

Maxamuud-Jaarig oo ahaa la taliyaha Garaad Maxamuud Cali Shire, ayaa fakaday isagoo ku jooga faras la yiraahdo Jiire oo qaylo kula dhex dhacay colkii qabsaday Buraan, wuxuu ku yiri: “Wax iga soo horreeyay ma aragteen?” Waxaa lagu yiri: “Maya.” Markaasuu yiri: “Wax iga dambeeyana arki maysaan”. Markaas ayaa colkii laba talo isku qabtay:

  1. In ciidanka Daraawiishta laga hor tago, oo duunyada laga dhacsado.
  2. Iyo in xarunta loo weydaarto inta ciidanku ka maqan yahay oo la qabsado. Talada hore ayaa loo guuxay, laguna guddoonsaday.

Iyagoo lug iyo faras ah, ayay weerar qabax ku siiyeen Daraawiish oo aan xoolihii weli gurya geyn, hase ahaatee halkaasaa lagu jebiyay colki isbahaystay. Dagaalkaas wuxuu ku caan baxay Habarhumbulle, waxaa laga mariyey dhowr gabay, oo uu ka mid yahay gabaygan soo socda:

Nimanyahow dabuub gabay beryaa, uma dedaaleyne

Wax i daaray mooyiye xalaa, laygu soo degaye

Aan dabeebto gabaygu waa, dab iyo baaruude

Onkod dininiglayn baan ihiyo, dirirkii cawleede

Daad soo rogmaday baan ahoo, dooxadii yimiye

Aan durduro dabaal baan ku mari, dool la ii xiraye

Dayax iyo shamsaan ahay haddaan, la idafirahayne

Gudcur dama habeen dumay, cirkaan dacal ku nuuraynin

Ma diyado tillaabada ninikii, dowga marayaaye

Dugsi haddaan la helin, dhaxanta waa lagu daddoodaye

Dabaylihiyo fooraa la tegi, daar waxaan geline

Deyradhagafyadaan shidahayaa, dogobxo waaweyne

Dulbaax malaha xaajada middaan. diirka ka caddeyne

Diirfimo halkii aan lahayn, waa sidii danafe

Waxa dunida qaarkeed ka dhacay, dood aan ka iraahdo

Daayimow Allahayow adaan, dunina moogayne

Daandaansi ina-adanaa, loogu dawgalaye

Deyn nimaan ka qabin buu, nafluhu daba gelaayaaye

Haddii nalaku soo diray khalqiga, Dir iyo Daaroodba

Warsangeli haddii uu dunjigii, iyo diricyo soo qaatay

Dashiishiyo Majeerteen haddii, deexda laga keenay

Guutadii la soo dumay, haddii nalaku soo duushay

Wax la soo dandaanshaba, haddii nala dul gowdiidshay

Dildillaaca waaberi, haddii nalagu sii daayey

Annagaan digniin qabin haddii, nala dareensiiyo

Digta weerar qoobkii hadday, dinigtii yeedhay

Doonyada uluuftaa hadday, Daalo1 kor u dhaaftay

Qaylada dalluunta ah haddii, nala dareensiiyo

Degdeg inaan u soo roorro waa, daw lad alabkeede

Ma dul keennay kuman duub cadoo, wada Daraawiisha!

Dikri hadduu ku soo galay xarbiga, aniyo duulkaygu!

Dayaydii horteedaba baqay, dabada taageene!

Diigaanyo ciidana miyaan, daafta kala raacay!

Sidii aar daloombi markaan, ugu dinnahyeeyey

Dulihii shareerraa markuu, dibawga jiiraayey

Daanyeerku meeshuusan marin, dani ma jeexsiisay!

Danbi ma leh cadaawaha ninkii, deli ka xooraaye

Derajuu Ilaahiis ka heli, labada daaroode

Dabku iima naxo nimay, kufriga deris wadaagaane!

Ferenjiga direyska leh kuwii, diiradda u qaaday

Iyaguba dariiqada Alliyo, diinta caasiya e

Waxay noo duleedsheenba waa, door weynaha e

Dulmigaan bannaanayn kuwii, doofil ugu hiisha

Haddaan daayo waa aniga oo, daawadii furaye

Danabkii rasaaseed miyaan, diillin kaga yeelay?!

Dareemada ka badan meydka yaal, didbta buureede

Dhiiggoodu sida doogsin roob, wawsagii duxaye

Dugaaggii hilbaha quudan jiray, loo dayaafadiye

Nimanyahow af laba daan leh, baan muranka deyneyne

Daleelaha cidlaa lagama shubo, hadal daleeleede

Ma duqaynay reer Bari, wuxuu doonayuu helaye!

Aniguba dilkoodaan ku helay, libin daboollayde

Daa’irada Eebbiyo markii, deeqa nala siiyay

Ma dabbaaldeggiyo muufahaa, duhur la gaarsiiyay?!

Duca awliyaad buu qabaa, degaha Tuurwaaye

Waa nimanka gaalada deldela, doog iyo abaare

Waa nimanka doofaarradii, daariguu jaraye

Roobkiina waa kaa u da’ay, duraha jiilaale

Waa kaa dalkoodii ballidu, wada duraabtaaye

Waataa arladii daahirtee, diib ka soo kariye

Cawskii dumayoobey baa, doog ka soo baxaye

Dallaqyadiyo dooxooyinkiyo, diisha iyo qaare

Dunqaarihiyo xamashkaa sidii, diriq la moodaaye

Maalkii diraacdii dhalaa, doobte loo culanne

Duunyada wax laga maalayaa, daranii caanoode

Rabbigii dawaa’iga sidaa, deeqi noo ridaye

Afartaa dujaye balaan mid kale, deelka ka higaadsho

Aan dabeebto eeggana halakay, damacday laabtaydu

Dowcad kalena waa Ina-Mashire, hadal aan deeqsiiyay

Aday deyrshay maantaan ahaa, duri xigaalkaaye

Adigay dafiray sidii anoo, duul shisheeye ahe

Waataynu derisnaye adaa, daawadii furaye

Doolaalo adigowgu tegay, gaalka duufka lehe

Adigaa dariiqada Alliyo, diinka caasiyaye

Goortaan ku daayana adaa, diiday nabaddiiye

Wax dhaaxaan dedaalkaa u maray, deli ciriiryoone

Wax dhaaxaan dunqaaraha lahaa, dib uga soo jooge

Maantaa dubbii kugu dhacaye, duxi ha kaa raacdo!

Waadigaa degagaye sidii, dalow u meertayso!

Ama deyrka xiro waa taqaan, dabin ishaalleeya!

Ama doofil qabo cayri waa, diifta kugu taale!

Ama quud duleedaada ka xaab, dereg haddaad weydo!

Ama daaliboo bari inuu, kuu dawaro uunku!

Ama duunyaraac noqo cidlaa, kaaga sii darane!

Ama doonyihiyo Saaxil iyo, Cadan dillaaleyso!

Ama dooy u dhoofoo u carar, dalaan la gaareynin!

Ama sida dirkiinnii cashriga, dogobbaduu raaro!

Ama duurgal iyo tuugo iyo, dagati uun dhawro!

Ama dahada gaal baad tahaye, dacay ha kaa saarto!

Ama dooraweynow baqdaye, dirir u soo joogso!

Waxaan ka qoray Ciise Faarax Fikad.

1.Daallo: Waa buur arag wanaagsan, dhir kala duwanina uka baxdo, oo dadku waa u temeshle tago. Toban mayl bay u jirtaa magaalada Ceerigaabo xagga waqooyi.

Awel Maanso Waataan Dayacay

Shirqoolkii Canjeel la baxay markuu dhacay, lagana digniin helay ayaa dad badani xaruntii ka yaacay, colal Daraawiisha ayaana dadkii ka daba tegay si loo soo celiyo. Dabadeed wax la dilay, wax fakaday iyo wax la qabtay ayey dadkaasi noqdeen. Gabaygakani soo socda wuxuu ku xiran yahay gabayga ka bilowda (War suudow sedkaa waa jannee, samac kalaankeyga), intiisii badnaydna way rnaqan tahay. meel laga helina Allaa og, waana raadinaynaa.

Awel maanso waataan dayacay, dow aan mariyaaye

Warka xalayto dooxada Jednugul1, daan walba u raacay

Oo ay dabayluhu sideen, waa ku diirsadaye

Waa kii Darwiishkii kufriga, nooga soo digaye

Sidii geel darmeed bay farduhu, docadoceeyeene

Digdigtii rasaastii sidii, duur u ololeysey

Guga daatay reer Khalaf2 inuu, daaqo laga waaye

Danab baa ku dhacay reerihii, dayrta noo faqaye

Candhadogoble3 goortaan dillaa, roobkii noo da’aye

Waatay inay naga darmaan, damacsanaayeene

Dambarkeedii hele xaajaday, naga daboosheene

dukhuumada tashaday naarta waa, loo dawarayaaye

Dige-dheere iyo Jaamac ways, daba gelaayaane

Daa’imow Allahayow adaa, duulka naga saaray

Waxaan ka qoray Maxamad Nuur Cali.

1.Jednugaal: Waa dooxo ka mid ah dooxooyinka Nugaal bari,. mar baa waxaa degtay xarunta Daraawiisheed.

2.Reer Khalaf: Khalaf Faarax Shirwac.

3.Cali Barre Maxamad Xasan.

Dacwad Baan Ka Leeyahay

Heshiiskii Iligdaldala markuu dhacay ka dib ayaa gumaysigii Ingiriisku warqad u soo diray Daraawiish, wuxuuna ku yiri, “Mar haddii waanwaan iyo heshiis nabadeed ina dhex maray, taliska Ingiriisku wuxuu Daraawiish weydiisanayaa saddex hal:

Midda koowaad geelii Daboolane ee Daraawiishi degmada Habaryoonis ka dhacday inaad wuxuun ka soo celisaan.

Tan labaad nimanka dabatada ah, oo Nugaal sare fadhiya oo dad iyo duunyaba mahoobbiyey, col iyo gaaddeba inaad naga celisaan.

Tan saddexaad, Warsangeli wacad iyo heshiis baa na dhex maray, waxayna doorteen raaciyadda Ingiriiska inay noqdaan, marka u yeeridda aad Daraawiish ugu yeeraysaan ka daaya.”

Daraawiish markii hadalkaas loo keenay waxba kama gilgilan, danina waa seeto e, waxay yiraahdeen, “Ingiiriisow saddexda arrinba waan yeelaynaa, ee idinna laba hal noo yeela:

Midda hore, xoolihii Daraawiish looga dhacay meesha la yiraahdo Caado ee dabadeedna Burco la keenay soo celiya.

Midda labaad, doonnidii aannu dabka u dirsannay, Ciise Dhoollawaana rubbaanka u ahaa oo aad baddaas ka qafaalateen, iyadii iyo wixii saarnaaba noo soo celiya oo aan sidaas wax isku weydaarsanno.”

Dooddaas Daraawiishi Ingiriisku waa ku gacan sayray, wuxuuna marmarsiinyo ka dhigtay: “Xoolihii Caado laga qaaday, Ogaadeen baa dhacay, Ogaadeenna waa haad Amxaaro. Doonnidana Talyaani baa qafaashay, Talyaanina qareen uma nihin.” Labadaa doodood ee dambe ee Ingiriisku soo jeediyay Daraawiishi ma garaysan, Sayidkuna masafo dheer oo uu ku caddeynayo in Ingiriisku musuqmaasuq wado ayuu mariyey. Wuxuuna yiri:

Ogaadeen ha ii dirin, dacwad baan ka leeyahay
Duul haad Amxaaraa, kaa dooni maayee
Wuxuu aniga iga dilay, diyo ha iga siinnine
Doofaar inuu yahay, anigaa u diin lehe
Amba waan ku daba geli, dakanka iyo qaanke
Dirhan haddii aan kaga tago, anaa been dabaadehe
Waxaan kaa dalbahayaa, duunkaagu wuxuu qabo
Intaad dowladduu tahay, adigaw damiinehe
Ma waad diidi nimankaad, dumataye i soo dhacay
May kor u dabbaalaan, waxay naga dadduubeen?
May dowga Caadoodl, galbeed uga dareershaan?
Dalkaad adigu joogtiyo, Burca maxay ka dooneen?
Dar Alliyo heshiis iyo, ma daawad lahaydeen?
Mase waa dayoobeen, doqon baa habowdee?
Dabadeedna sow maalkii, dacalkaaga kuma shuban?
Sow daabacaagiyo, daftarkaaga kuma qoran?
Sow duhur dharaareed, dibnahaaga kama qiran?
Sow sida dameer raran, dusha kaama fuushana?
Miyaan duudsiyaayaa, kulaan Dabacayuun helo?
Haddaad daacad ii tahay, doodaye maxaad oran?
Dafir miyuu wax kuu tari, daliilkii ku siiyaye?
Doonnidii ma aan arag, dacwad baan ka leeyahay
War waxaad durduradiyo, dan la’aantaa ugu dhiman?
Hadal aan dawo lahayn, sow kama diqootaan?
Dakhalkiyo shiraaciyo, badda yaa u dowlada?
Talyan waa dadkaagiyo, daayiciin aad wadataa
Haddii aadan duqlaalayn, Dannood2 sooma aadeen
Diraac Doolo3 iyo Ciid4, duullan kuma yimmaadeen
Diingaanyo ciidana, darka nooma keeneen
Dildillaaca waaberi, weerar naguma daacsheen
Durqun nama dhexjoogine, adaa hiil ka daalibay
Adigaa durraamiyo, docogaysi ula tegey
Adaa yiri Daraawiish, dirirteeda ii raac
Asna diradirayntaadaa, iga deyso kuma oran
Intaad dacatiyeysana, sow kulama daalayn?
Sow dad iyo xooliyo, daabbad kuguma caawinin?
Sow daraaddii kuma iman, Hobyo5 wixii ka soo degay
Sow duubcaddeydii, raggii dooxay ma ahayn?
War nin shalay dammiinyahow, igu dilay daraaddaa
Berri haddaynu dirirrana, dusha iga wareentayn
Daawadayda maahayn, ma ku dayrsamaayaa?
Durrufleyda gaalaad, adaa daaqsanaayee
Miyaan kala deyaayaa, adiga iyo deriskaa
Warsangeli doc uga bayr, dacwad baan ka leeyahay
Mar hadday ku doortaan, isku dirad miihine
Dabcigaygu ma oggola, nin kuu daalisaayee
Daraawiish hadduu yahay, sidee doc uga leexdaa?
War Daarood Ismaaciil, dir miyaad wadaagtaan?
Durriyaddii adoogay miyaad, iigu duurxuli?
Sow deero iyo cawl, dorraad adigu kama dhigin?
Sow dukaamadoodii, daarahaaga kuma guran
Sow doonyahoodii, dookhaan naara kuma ridin?
Sow dooro weynow, ma deldelin raggoodii?
Inay kuu dudaayaan, sow maba dareensanid?
Inaadan dooc lillaynayn, diyaar kuu ogaadee
Dikrigiyo shareecada, labadaad ka duudiye!
Durdurkii firdowsiyo, jannadaad ka daahiye!
Durbaddii cadaabkiyo, dukhaankii baad ku tuuriye!
War inaad degaysana, sow dareemi maayaan?
Ma ku diimanayaan, deel qaafkan aad tiri?
Dumarkii ma furayaan, xilihii dalaaqee?
Geela soo dareerina, dowcad baan ka leeyahay
Anigiba dunqaariyo, ducataa i gaaraye
Dibirrootigaagaa, lawyaha i diiriye
Qayradii daruurrayd, adaa damug ka siiyaye
Dulbixii Gallaadiyo6, dudmaa ii horeysaye
Daa’imaan wa xagarannine, digniin iima laabnee
Dabarka Ciise7 lagu xiray, anaa laygu dooniye
Degdeg haddaan looga furin, dunidaa ifsaadiye
Dantay baan la yeeraye, yaan laygu diimine
Deeqi igama juustee, wax ma kala dillaallaa?
Oo wixii inoo dana, durba ma isu yaallaa?
Mase ways daboolnaa, nin dulmiyana Allaa oge?!
Dabatada aad sheegatana, dawcad baan ka leeyahay
Adigaa dulleeyoo, duunyada ka qadoo
Adaa degalladoodii, digaxaarka mariyoo
Adaa deeblahoodii, daabaqad ku jiidaye
Diinkiyo dugaaggiyo, adaa duufka siiyaye
Intaasoo darxumadaa, adigaa u diiqaye
Hadday daqaqaamaanoo, wuxuun ka danqaabaan
Oo waxaan dux gelinayn, duleeddada ka xaabaan
lyagaba dan gaajiyo, diihaal baa u geeye
Anna haygu diga gubin, adiguna dan haw gelin
Dayib haddaadan oranayn, dayuubtaan ku leeyahay
Oo daxorayaashiina, been kugu dakhaakhuli
Bal inaan dugsuu ahay, amaan idinku soo diray
Haddii aadan danbaabayn, daahir marag ah soo taag!

Waxaan la qoray Ciise Fikad iyo Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon, sannadkii I955kii.

1. Caado: Balli ku sariiran Haraxagarrey.
2. Dannood: Waa balli caan ah oo ka mid ah toddobada balli ee Haraxagarrey oo kala ah Daratoole, Dannood, llig, Masaarte, Siraw, Caado iyo Dhegxayacaddo.
3. Doollo: Waa todobada ceel ee Wardheer, Walwaal, Waafdhuug, Afyaraaddo, Uubataale, Garloogube iyo Yucub.
4. Ciid: Waa dhulka ciidda guduudan leh ee oomanahana u badan.
5. Hobyo: Waa magaalo ku taal xeebta Badweynta Hindiya oo Gaalkacyo hilaadda 200 oo kiilomitir u jirta.
6. Duubcad: Waa tilmaan Daraawiishi lahayd.
7. Gallaaddi: Ceel ka mid ah ceelasha la yiraahdo Ceelcad oo Wardheer 40 kiilomitir u jira kana xiga dhinaca bari.
8. Ciise Dhoollawaa: Wuxuu ahaa Daraawiish badmaax ah, wuxuuna qabay Sayidka walaashii Rooxo Sheekh Cabdulle. Ciise isagoo doonni shixnadan wata oo Daraawiish dab uga doonay dalalka Carabta ayaa Ingiriisku badda ka qafaashay isaga iyo doonnidiiba. Dabadeed waxaa lagu xiray Casab.

Xay Guduudan La Moodyow

Guud ahaanba dadka Soomaalida farduhu waxay u lahaayeen qiimo weyn. Ninkii aan faras lahayni wuxuu ahaa nin aan tirsanayn. Gaar ahaan Daraawiishta waxayba la ahayd inay noloshooduba fardaha ku xiran tahay.

Sidaas daraadeed waxay aad ugu dadaali jireen, fardaha heliddooda iyo dhaqaalahooda. Marka isweydiin meyno wixii la jecel yahayba ammaantooda in lagu xeel dheeraado. Sayidku gabay iyo geeraarba fardaha aad buu ugu ammaanay, waxaa ka mid ahaa geeraarkan soo socda oo Sayidku ku ammaanayo faras la oron jiray Calanside. Wuxuuna Sayidku yiri:

Xay guduudan la moodyow, Xamar weeye korkiisu

Waa xiddaayad sideedee, ma xariir cusub baa?

Afku waa xolxolkaasoo, ilka loo xanafeeyuu

Xakamaa la dhacaayee, ma xandaad bir tumaa?

Bacaarka xolkiisiyo, sanka xiifta ka yeeri

Wiyil loo xanafeeyoo, xaryamaaya miyaa?

Hadduu qaylo xakaaraa, xaryankeeda dhegaysto

Dheguhuu xukinaayo, xawdh la taagay miyaa?

Surka xaafadda weynluu, xulkiyaa hojiyaa

Xaddii weeye dhexaade, xakab loola miyaa?

Geedku waa xaasoowgaasoo, waa xayaaba galbeedoo

Waa xareed midabkeede, xinni tay ah miyaa?

Dusha xaarad bannanoo, xasil loogu fariisto

Xagna looga dhacaynoo, xukumaysan miyaa?

Fanku waa xaraf weynoo, xawaal weeye korreysee

Gumburkii Xalimeed1 iyo, Xaaridheer2 miyaa?

Qanaantuu xarfinaayoo, xiisaddeeda lulaayo

Xin xabbaas ka karaayiyo, xusur dheehan miyaa?

Haddaan xeebta ka fuulo, Ximan3 reeraha yaal

Xigsintuu u tagaaye, xanfar duuli miyaa?

Anna lay xaradhaami, usna xerya ballaaran baa

Xariir loogu shubaaye, xilka-dhawrsi miyaa?

Haddaan qoofal xigoodaa, xaafidaad ugu dhaado

Xurguftuu dhutiyaayo, naafo xuurrin miyaa?

Haddii layga xubeero, xididdow bixin maayaan

Xabeebtiisa ku raagiye, xabbadkayga miyaa?

Xaya waaga salaadda, haddaan oodda ka xaydo

Xareedkuu gurxamaayo, ma Iiddoor xuja laa?

Haddaan guuro xabiirro, xawaadeenka dhacaayuu

Xijaab iiga dhigaaye, xuddur awdan miyaa?

Haddaan xuurto baqoollo, xor dallaala sideeduu

Xanfigiigga ceshaaye, xaaxi layra miyaa?

Xiito meelay ka fooftay, haddii weerar la xuubsho

Waa xufoo lama gaaree, ma dhashii Isxal4 baa?

Hadduu xoolo gelaayo, magaan waa xannibaado

Xarraan waa isxiraaye, xiddig duusha miyaa?

Taxaabaa ima xiisoo, dibna iima xabbaasoo

Horuu ii xorxoraayee, ma xayuunta baraa?

Goortuu soo xaryamaayo, xayigii daba jooguu

Xalqadeen ku dilaaye, ma wad loo xukumaa?

Hadduu soo xallinaayo, xiiso aan u qabnaa baan

Loogu xeebanayaaye, ma xays noo da’ay baa?

Waxaan ka qoray Aw-Cabdille lbraahim.

1.Xalin: Waa ceel biya badan oo Taleex geesta bari ka xiga.

2.Xeeridheere: Waa tog Xalin ka sarreeya oo buur dheer leh.

3.Ximan: Waa ceelal xiriirsan oo u dhexeeya Dhuusamarreeb iyo Gaalkacyo, waxaana ka mid ah: Cadaado, Mareergur, Gidhays iyo Godin-labe.

4.Isxal: Wuxuu ahaa faras qoor ah oo dhal wanaagsan, fardaha Daraawiisheedna kudi jiray, geenyadii dhashayna waxaa la oron jiray Boosakurus.

Xiin Finiin

Nimanka taariikhda weriyaa say sheegeen Sayid Maxamad baa doonay Faaduma Islaan Aadan oo la dhalatay lslaan Faarax Islaan Aadan oo madaxda degmada Mudug ka mid ahaa. Sayidku xoolo badan oo geel iyo fardaba leh ayuu yarad uga bixiyey, xurmo iyo xididtinnimo wanaagsanna waa muujiyay. Hase yeeshee, dhugi geel dhaantay, dhex socotana dhul dhaantaye, hadallaa Sayidkii iyo Islaan Faarax loo kala geeyay.

Xididtinnimadaas Sayidka wuxuu uga jeeday inuu garab iyo gaashaanba Islaan Faarax iyo dadkiisa uga helo, si uu jihaadku u sii xoogoobo. Sida xeerka Soomaalidu u badan yahay ninkii gabar laga guursadaa wuxuun buu cubtamaa, Sayidkuna wuxuu gabay ku yiri:

Wax walba wow huraayaa ninkii ii walaal noqone.

Dabadeed Islaan Faarax wuxuu Sayidkii weydiistay faraskii la oron jiray Xiin Finiin, xaashi arrintaas ku saabsanna wuxuu u sii dhiibay Faarax-dhabansenge.

Daraawiishi farduhu qaali bay ku ahaayeen, gaar ahaan Xiin Faniin Sayidku aad buu u jeclaa, hase ahaatee. sidii loo yiri dhegtaa kaa war dheer, ishaaduna waa kula fil, xaashidii Islaanku soo diray hadday u tagtay Sayidka wuxuu guddoonsaday inuu faraska bixiyo si aan loo xaman. Dabadeedna isagoo xil iska reebaya, faraskana xarragadiisa u dhammeeyay. ayuu ninkii loo soo diray gacanta ka saaray, ka dib markii gabaygan soo socda la qabadsiiyey

Xayow Faaraxow1 hadal rag waa, loo xutubiyaaye

Nin xishood leh baan ahay haddaan, lay xistiyahayne

Xabiib baan ahaa jeer kufriga, laygu xaasidaye

Adna xaashi baad iila timid, xaakin soo diraye

Xaddigii adduunyada, haddaad xoola iga dooni

Marna anigu kaama xistiyeen, xaalaad leedahaye

Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa, geel xawaar badane

Kumanyaal xawaadaan lahaa, xawd u sii mariye

Markaad Xiin Finiin2 damacday baan, kaa xanuunsadaye

Walaalow xirgiga qaarkii waa, lagu xujoobaaye

Waxaan kugu xutubiyaaba waa, xuuradaan nahaye

Nin kalaan xafiidaba adaan, xaaydda kaa rogaye

Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i weydiisto

Xayow iyo Qayumay haddii, la igu xoodaansho

Xubbigayga kuma hayn inaan, xiisoow bixiyaaye

Xamar weeye oo midab fardood, kala xiriir roone

Xawaariyo kabtiyo raaxo iyo, xawli iyo jeefag

Xaggii loo eryaba waa, gammaan xulashadiisiye

Xubno toosanlow neefku waa, xaalad gooniya e

Goortaan xusuus ula noqdaa, xiiso ii qabane

Waxaan xarafka diimeed ahayn, igaga xeel dheere

Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa, xoogsi ugu fuule

Usagaan xatooyada lahaa, xuurta ugu looge

Xiniinyaha ku goo baan lahaa, gaalka xaylka lehe

Xayskaa da’ayaan lahaa, Xalin ka doodeeye

Xaqaygii maqnaa baan lahaa, xag ugu raacdeeye

Meesha iyo xeebtaan lahaa, xiito ka eryoode

Xujeeyreebta reer Hagar anaan, xubashyadii ruubin

Xinjoortoda dhiigga leh haddaan, lagu xaraaraysan

Xaqaamaquuqiyo haddaan, xaaluf lagu yeelin

Xiddaysane ma dhiibeen anaan, xaaladday bogane

Xaaraami uun baa arlada, xula abiidkiise

Wuxuun bay xushleeyaan sidii, xabashi Iiddoore

Aniguna xogtaydaan ka baqi, inay xumeeyaane

Xaashaallillaahive nin goba, xamasho waw ceebe

Goorteer anoo xaajiyaan, xinif awoodayne

lntii aniga lay xaman lahaa, xil iga soo meerye

Aduu galabta kuu xoolo yahay, xamarkii dheeraaye

Waa Xiin Finiin neefka aad, xarigga haysaaye

Xayawaanka oo idil naftay, kala xeraadaane

Mar hadduu suldaan3 igu xil lihi, igaga xayddaantay

Xariggiisa qabo aadmi kale, kuma xurmeeyeene.

Waxaan ka qoray Cabdi Cali Guuleed, Cabdi-Yaar, sannadkii 1955kii.

1.Faarax: Faarax-dhabansenge, waa ninkii Xiin Finiin Sayidku Islaan Faarax ugu sii dhiibay.

2.Xiin Finiin: Waa faraskii Islaan Faarax Islaan Aadan, Sayidka weydiistay, hooyadiisna waxaa la oron jiray Finiin.

3.Suldaan: lslaan Faarax Islaan Aadan