Monthly Archives: August 2016

Hargeysaay Maxaa Xaqii Idiin Diiday?

Abshir Bacadle
Bacadle 3dii bishii Nofember 2006dii, isaga oo ka sheekeeyey sababta ku bixisey gabayga soo socda waxa uu yiri, “Waxaan aad uga xumahay in mucaaridkii maamulka la baxay Soomaalilaan ay u hadlaan sida maamulka Riyaale oo kale, iyo sidoo kale in culumaa’udiinka Soomaalilaan ee bayaanka soo saaray dhowaantan ay markii la su’aalay dastuurka Soomaalilaan ma waafaqsan tihiin ay dheheen waan waafaqsannahay, sababtoo ah isaga ayaaba dhigaya in shareecada Islaamka wax lagu xugmiyo, su’aasheyduna waxay tahay maamulka Soomaalilaan ma shareecada Islaamka ayuu ku dhaqmaa oo uu hadda ugu xiran yahay Sheekh Maxamed Ismaaciil?” ayuu yiri Abwaan Bacadle oo mar kale su’aalay culumaa’udiinka Soomaalilaan, “Maamulka Riyaale weligiis ma fuliyay hal xugun oo qisaas ah ama rajmi ah, illeyn aayadihii lama nasakhine, mise waa la jiifiyaana banaan, la joojiyaana banaan oo dowladdu waxay sameysaba waa sharciga Islaamka”.

Hargeysaay habaar baad qabtaa waana la hubaaye
Hoodiyo nasiibkaagu waa holacya baaruude
Helina meysid towfiiq intaad Diinta hororeysid
Waa hiil madow iyo hulaaq hoos ka maaruqaye
Halkii diinta lagu caayo waa laga hijroodaaye
Biyana lagama helo tacabna waa laga habaaraaye
Hoggaan Diinta neceb culumadana laga horeynaayo
Hawaayadiisuney tahay kufriga inuu u haanyoodo
Oo Diintana hagrada Diimuqraadigana u heelan
Hootada Carsaa’iil ha sugo hoos madoobuhuye
Kuwii howshan baray meesha waa kaga horeeyaane
Hargeysaay nasiibkaagu waa holacya baaruude;
Hunduuga iyo Singuhu ammaanbey ku helayaane
Ninkii hiil Ilaahey ah baa lagu hujuumaaye
Habkii Guwantanamoo kalaa hibo laguu siiyay
Helina meysid biyaad ka harqatiyo hogol daruureede
Hoggii culumadaad noqotay iyo god iyo haadaane
Hidda raaca nimankii Bilaal hoojiyaad tahaye
Hargeysaay haddaad culumadii weli ku heysaaye
Adoo gaal u hiilinahayaad dhiig ka halac siisay
In Kitaabku na hoggaamiyaad ka hortageysaaye
Habaar qabuhu daaquudki buu kugu horeeyaaye
Inta culumo la huruufayo oo lagu hajuumaayo
Wallee ineydnan nabad heysan weyku hambalyeysiine
Halkaa Sheekha uun-bey nafluhu idinku heystaane
Boqollaalo ka horeeyey baad godad ku heysiine
Oo dhiiggoodi ay ka harqadeen howlwadeenaduye
Oo heyre Buush iyo Melez ku hanbalyeeyeene
Oo aad hilibka culumada dhaqaal uga heleyseene
Wallee halis waxaad ugu jidhaan hoogi reer Saba’e;
Harqinta dhiigga culumada rag badan bow hamuun qabaye
Halkii ay mareen baad dhowaan hor u tegeysiine
Sidiinaa ayagoo u hadlayaa hoos Alle u dhigaye
Immisaa haalig dunidaan ka tegay hoos madoobe ah
Culumadii Hargeysoo go’aan hagarle soo saaray
Oo Bii.Bii.Sii ka hadlayoo dowladda u hiishay
Dastuur Diinta hoojinahayey u hambalyeeyeene
Kitaabkey nagu hagaan bey dheheen howlwadeenaduye
Caamadii halaajiye raggii ka hadlay Reediyooga
Hadalkii Sheekhu dowluhu rag buu geliyay haadaane
Dastuur Diin hoggaaminahayey u hambalyeeyeene
Oo hilibka Sheekh Maxamed bey ka hadli waayeene
Oo woow hoggaansameen ra’yigi howlwadeenada’e
Hargeysaay haddaadan iska qaban tobanka hiiroole;
Dul cad iyo Hartii Sheekh mar kale waad u haajiriye
Kuwani heysan maayaan kursiga waana la hubaaye
Culumada Hargeysaay maxaa xaqii idiin diiday?

Dabato Weeyaan – Maxamuud A. Colaad Filig

Gabaygaan waxaa tiriyey abwaan Maxamuud Axmed Colaad Filig, wuxuuna ka mid yahay gabayada af-celinta ah ee ku socdaa Abshir Nuur Faarax Abshir Bacadle, gabaygana wuxuu ku bilowdey sidatan:

Abshirow daliil gabay haddan deelka ka hinkaadsho;
Deelqaafki aad tiri haddaan dood yar ka iraahdo
Anigoon dambaabaynin baan kuu dulmarayaaye
Marreexaanku dooxadajubbu dagin u yaalaaye
Duulkaad ka sheekaysay bay daris wadaagaane
Deerkaa u kala rogan Absame taniyo Dowlowe
Doqon-diide iyo Cowramale Dir iyo Shiikhaasha
Mushunguliga deexdiyo Hartida duq iyo waayeelba
Dugaag mahan oo ehelnimaan kala dugaalnaaye
Diiraro anoo joogo iyo daawo iyo gowlin;
Digaal iyo anoo dowmacaan dalab ku maalaayo
Dooyaan ku tagi meelkastoo la iga doonaaye
Daaroodku waa wada dagaa doolo iyo howde
Danihiisa uma sheegi jirin dayday iyo tuuge
Waxaad adigu ugu duubatiyo Daahir garan waayay!
Dowladnimada maantay dhacdee daqaydu naafowday
Dooxatadu markay soo gashee dumarka laynaysay
Dab inaad ridaysaan maqloo dirirtay waagiiye
Mooryaan inaad dabagashaan daabaceed helaye
Shaydaan nimuu duufsadoo daacay baad tahay
Darsin dhigo islaanimadi baad darafka joogtaaye
Nin ku dilay markuu diyo baxshaa la iska daayaaye
Isagoo dabaabaadki iyo danabki heegeeysan
Hadduu duubcad kuu soo xirtaa digasho weeyaane;
Duulaanka Xamar waa qabiil loo durbaan tumaye
Adiguna danaanaad u tiri nimanku waa doole
Ama doollar tobanhaad cuntood u digrinaysaaye
Daroogada cagaarani aday daawa kuu tahaye
Adaa deeq Ilaahay u qabay dahab islaameede
Guryahoodii kuwaad diirateen dabato weeyaane
Hiiraale niman doortay buu daaci u ahaaye
Isagoo dadkiisii watuu duulan soo kicine
Damiciinu wuu guri haddaan moodku daqarayne
Dayniile iyo Dari wanaag looma daadihine
Dakadoodi waa laga xiroo looma soo dagee
Digniin bay baxsheen oo hadday dirir u joogaane;
Haddii aad Daraawiish tihiin diinta u adeego
Oo aan dakanadii horiyo xumo la daacaynin
Cirfe maxaa dikee loogu yiri wabiga daaftiisa!
Dhuxulow dariiquu xirtiyo Yuusuf dabinkiisi!
Maxaa loo dulmaray waan ogeeyn dacatigoodiye
Dambigay galeen ma adinkaa daahir uga yeelay
Shariifkuba dadaal iyo wanaag buu dalbanayaaye
Danihiisa inuu khayr u huray baan daninayaaye
Waxse dilay rag diriqsanahayiyo ducuful iimaane;
Haddii diinta Eebbahay sharciga lagu dabaalaayo
Oo daalimiintii dhulkaan laga dul qaadaayo
Maandhow maxaan diidayaa daraja weeyaane
Daaraha Shabeeliyo intaad dagalka meereeyso
Dukaannada Ismaaciil inataad laba diblaynayso
Dalaggii agoontiyo intaad daaqa guraynayso
Tunni duunyadeedii intaad darar ka maalayso
Diriciyo cimaamaduhu waa dac iyo ciideede
Ka dabaasha adinkaa xumaan diin u qaayibaye!

Dib U Goco Abshirow! – Cumar M.M. Baarqab

Gabayga soo socda waxaa mariyey abwaan Cumar Maxamuud Maxamed oo ku magac dheer Baarqab kana mid ah abwaanada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool. Cumar wuxuu doonayaa in uu halkaan ku soo bandhigo gabay jawaab u ah gabaygii abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle, gabaygaas oo magaciisu ahaa Beel Yahay Gadoodayoo Go’daydoo Gabar ku Ciil Beeshay, abwaanka oo ujeeddadiisa iyo dareenkiisa suugaaneed ka hadlaya waxa uu yiri:

Abshiroow gabaygu mar buu kula tagaa godobna reebaaye
Nin walibana garaadkiisuu hadlaa garasho waa meele
Gefefkuna mar bey kaa dhacaan adoon u guuxeyne
Marka hore dib uga guro xumahaad galisay taariikhda
Maanso waan u guuxaa in badan waan gareysnahaye
Hayeeshee gabyaa sare waataad aheyd gu’ iyo jiilaalee
Faysal ku gaar yeel xumaha intii geysatuu qabane
Reerahana ha kala geyn sharaf baa loo guntaa xarige;
Gobtu ways taqaan ragoow gees walbood eegto;
Nimuu walaalkii ganahayoo gees u riixaayoo
Ama uu garbaduub intuu u xiray geeyay meel geesa
Ogoow mar buu gacalka dhaamaa gaalka aad sheegtay
Gundhiga iyo ujeeddada haddaan qalinka gaarsiiyo
Gartu Allee taqaannaa goor kastooy tahaye
Gilgishaye aan ku faro xaal inaad geeyso
Gob iyo gaan geetahoon isqaban wuu i gali waayay
Ninkii gafa lama daba galoo looma guumeeyoo
Guushuu kaa heelaa markaad gumuc ku tuurtaaye
Sidii godka loogu rido amase loo gaado
Maskaxdaa go’aan laga dayaa gama’a how diidin
Intaa waan gorfeeyaye mid kale iga gudoon maanta
Guri wixii soo dumiyo dhibkii Soomaali kala gaaray
Abshiroow gu’ iyo deyr wixii lays gumaadaayay
Gandhari wuxuu hooya dilay Isaaq wuu ka gaar yahaye
Sharaf buu gobal iyo dhuulkii goostay kaligiiye
Innagaa is gooynaye raggaa yaan la gaaxine
Godobteena aan dhaqnoo tolkeen yaa la sii gubine
Geesi wuu garqaataa kolkii dagaal lagaga guuleysto
Adiguna gaddii lagugu yiqiin waad gadaal dhaaftay
Gumaadkiyo xasuuqii miyaad garasho beel gaadhay!
Reer waqooyi haddii lala garamo ama garaab yaalo
Inagaa gumeeynoo colaad geesta kala raacnay
Nin walboo gorfeeyana gardarraa geesta naga taala
Waagii baryaba raggii taangi lagu garaacaayay
Koofur oo gurmada dadkaan geynay xeradooda
Inaan wali u sii goodinaa waan ka gaabsadaye
Lixdankii ummad gees aheyd gacal ku soo maagay
Oo gogoshaadii kuu yimid calanna kuu geeyay
Oo aan abaal kood la gudin lana garafeeyay
Inaan wali u sii goodinaa waan ka gaabsadaye;
Faysal god iyo qool hadduu mool is galinaayo
Garaabada iyo ninkii la qaba madax garaaciisa
Isagaa goor danbaba ku dhici hadaamuhuu maanta goobaaayo
Beeshase in loo gudbaa waan ka gaabsadaye
Goos goosan meynee khabiir soo gubtaad tahaye
Aniguna haddaan soo galoo waan gardaadsadaye
Dib u goco Abshiroow wey gudboon tahaye!

Garashoy Yeelkeed Dheh – Axmed Aadan

Gabayga soo socda waxaa mariyey abwaanka yar ee lagu magacaabo Axmed Aaden oo ku nool Kalgari, Kanada, wuxuuna tiriyey 26dii Febraayo, 2005tii. Abwaanka waxaa ku dhaliyey inuu curiyo tixdan jawaab gabayga ah markii ay soo gaartey gabay uu tiriyey Abshir Bacadle oo uu u arkey in Abshir beesha abwaanka meel uga dhacay, taana waxay noqotey mid u cuntami waydey abwaanka, sidaa darteed waxaa uu mariyey gabaygaan oo jawaab u ah maansooyin isugu jira gabay, geeraan iyo shirib uu Abshir Bacadle u soo mariyey beelaha Isaaq.

Ma gabyo ma geeraaro mana guuraabo
Hayeeshee goor dhawayd bay igashay tixdaan gabay tuducsiine
Gudgude roob sidii maw gabogabeeyaa
Ma gan ganaa hageeyeen geestaa ogdheeriyo gobol Hargaysaade
Gunburaha bankiyo sudiyo gaaroodi
Gabiilay korkeediyo intaa gubano daaqaysa
Guudkaa sanaagiyo garadag Cayniyo godonka Ceel-Afweyne
Qolyaha geerisa afkeeda yaaliyo beeshaa saraar godan iidoogsan
Inta gu’gii hawd u baxdee galool xagar leh dheehanaysa
Gadhkayogolka sayliyo aroor surimada geeri
Golis geedka ka bixiyo gobabkaa hadhweyn herer gudaheeda
Haradaa garduuriyo inta gal saxar geela ku horjoogta
Ee guba laga tirshee laga gayoonwaayey
Saw geesinnimo aan ku dheerihiyo garashaday maaha
Afartaa gigsiiyaye maan kaga gariirshaa
Afar kalena way in guntaniyo gelin kaloon dhawri
Gabayaagu geestayaduu ahaa geeraarshawguye
Godkii Ina Jadeeriyo Aflaw maan gabay ku guuraabo
Guba tuu Salaan ka tirshayiyo geeraarkii Faarax Nuur
Geedka maan ugu golo goleeyo gabaygan
Cumar Usteraaliye geelow marshiyo milgihii gabyaaye
Gaalodiid Cali Jaamac miduu ku gowracay tuuggii reer Xamare
Galkuu ka daray Qaasin gabay gulufkii Yawliyo gawdii Dhirbaaxe
Ka gariirshe Timacadde guuxii Qawdhaniyo guhaadii Dalaayad

Garnaqsigii Ina Gahayriyo kolay ku tahay deelayduu gunaanaday Iidaane
Gabay mujaahidlaha Hadraawiyo Gaariyiyo
Inta gobaad u kacay gabannada soo yeedhi!
Giddigeed Soomaaliweyn gurigaygaa laga marshaa gabay ahaantiiye
Intaas oo gabyaa caana baa gocosho ii diideye
Kolkan maan u quus gooyo gadhyarahan Xamar ka geeraaray
Gabaygaagu Abshiroow waa yootan geeljire e
Gaf inaad naga gashay ood nagu geeraari
Oon garawshiiyo loo ogayn xaajo laysugu garaabo
Gardarro adaa noogu yimi gaf aanoo gayigiina noo ool
Gun inaad ku tidhi guurtida reer Sheekh
Oo gob baad tihiin na odhan haddana yara gumaysan
Gobannimiyo gunnimo miyaad guri isugu gayn
Sidee garaadku kaa yahay maandhoow garashadaada
Waa maxay gunbaad tihiiniyo haddana gobaad tihiintan!
Geesaha iskula jirtee is garabgoryeynaysa
Sidii goosan adhi oo guduudane gilgilay armuu
Arrinkaaga gunta dheeri kaa noqdaa garashooy yeelkeed dheh!
Hartigaad gargaarka u fidin isagay u taal hadduu kuugu garaabaayo
Geelahase Jabuuti iyo waxaanad gacaylkay u soo qaadin
Waa laba guroo is xiga oo gumaysi kala gooyey
Haddaan goostay goobtaan fadhiyo saw ma gobonnimo dhashan!
Miyaad gacan ka gaysatay adaaban gobonnimo kuu horseed ganaye
Inaad gaalo nagu sheegtaan gama’a ii diidye
Hayeeshee ciduu Eebbaheen gacansiiyey ee gobonnimo kusoo ceshay
Gayigan midhaa saw ma aha gaarka isu taagay
Calan Tawxiid loo guntiyey inaan guddoonsanno
Gartu saw garashadayo maaha iyo gargaarka Raxmaan
Idina calan geeso leh ayaad sidii Iblays sujuud isugu gaysaane
Garta Ina Sanweynaa loo geysan jiraye gaalnimo keeneebaa u dhaw
Garanwaagu kaa uu soo marshay garashooy yeelkeed dheh!
Diinta aakhirsaman soo gashay ee gaalku ka danbeeyo
Ee Muslinkii lagu lugooyeyba garanayo maanta
Inay gaabis soo noqon siduu Rasuulku noo sheegay
Ooy toddobaatan guudkawga bixi gaalnimo agteeda
God qudhaa ka saxa waxa boholo soo gudban
Galay ana kaasaan garanaynaa weeye
Gabyaa afhayeen inaad geeskaa ka tabay garta isugu gooysay
Geeridii Cigaal hadduu Tigraygu tacsiyo geeyo
Waa garasho aan ku dheerahayiyo talo gobsanaantayda
Adna in gudin iyo warmaha godan laguugu soo afeeysto
Waa garaad yaraantaa iyo talo guracnaantaada
Gole Amxaar gaal madaw iyo kumaa doofaareey gogal loo dhigay
Guutooyinkaa Tigraha kuwaa Goday ka soo jiidaaya
Gilinsoor kuwii ku korayiyo go’e saw gurigiina maaha
Goor iyo ayaan gaaljecelnimadu saw taa gama idiin diiday
Galawgaa ka ciyey garashooy yeelkeed dheh!
Gadh u ciil qabaa jira guba iyo wixii gabay la geeraarshay
Waatuse guddoonsaday Salaan guushuu lahaa gabay ahaantiiye
Adna waxa ku gubayaan ogahay gabay yaraantaada
Waxba hay guudmar laynine keen gundhigaaga oo
Gabadha yarta ah gacalow soo dhaaf gocashadeeda
Gadhkaan quus aqoonse gadhquus inuu noqdo gari saw maaha!
Ku galgalo Hadraawaad istiri Gaariye iyo Qaasin
Ganay colkiisiyo waxaad gabay ka doontay gabanada jooga
Ha ka yaabin gabyaa hore nin ahi inuu gabay jawaabtii kuu marsho
Gadaal uga baydha duqa hay guufanaysnaadee
Oo gelinba nin yari haygu gabay bartee daaya
Golis Kolej kaalayoo ku baro gabay gayaankiisa
Ama Gaariye Camuud ugu tag golaha suugaanta
Hadduu gabyaa hore nin ahi jawaab diiday gabaygaaga
Gedgaa miyaanu cunsuri ku noqon garaadlaawennimadaada
Ku ganbiyay kolkee garashooy yeelkeed dheh!
Ceelashaan gudhaynini saw qubays koluun kuuma gaadhaan
Maxaad garbaha hoostooda u qoysaan isu qadhmuun goynta
Gartu saw maaha guud ahaan jidhkuba in la uskag gooyo
Guryahii Xamar dhaadheeraa ka goostaye ka dhigo god Mad-har
Gasiinkii beeraha ka baxi wabiyada sawtaad gaanjoda ku beertay
Degmadaa Gabiilay baa iigu filan garaw gasiinkiisa
Gasiiradaha Carbeed waad ogtahay midho guudkooda ka bixin
Haddana waad garan waxa midho gadaankooda sudhan
Gini baan ku gadan geedihii cambaha lahaa gabi ahaantoodba
Afarteeda gees dunida ganacsi baan gooshaa
Nin ragi wuxuu galiyo hay yeedhin tuu gudo
Nin abaal gala inaan ahay daayin kaw marag gala
Meel la iigu gudayse mahayo gabi ahaantiinba
Wixii Soomaali gobannimo lahayd guudka yaw tidcay
Gogosheedu saw tan golayaashayda taal garmoognaantaada
Gu’ wayn inaad jirtoo gadhku ku ciraystay
Ood nolosha galinkeedii danbe galbis ku tahay
Garaad kaaguse gaabisiyo gocosho mooyee
Miyaan geeda kale ka gu’in magane guudkaaga!
Tixday gabay waxaan ku soo gooyn
Gobta Reer Sheekh Isaxaaqiyo guud ahaan gobi dunida meelay joogto
Wixii kula garaado ah ayaa loo marshaa gabaye
Mooryaan gadhle maxaan uga gabyaa saw la garan maayo!
Waxaanse odhan gocashadeed dhaaf waryaa garashadeed yeelo
Oo ninka Xamar ka soo geeraarayaw garashooy yeelkeed dheh!

Ugu danbeyntii abwaan Axmed Aadan wuxuu ku soo gabagabeeyey dooddiisii suugaaneed hal tuduc oo Alle tuug ah sida ay tahayba:

Allahayoow noo danbi dhaaf adaa sadriga daalacdee.

Ha Ku Digan Sheekhaa Addimay – Barre Ibraahim

Gabyaa Barre Ibraahim ayaan halkaan jawaab u tiriyey niman ay isla beesha Mareexaan isla yihiin oo weerarey Abshir Bacadle, laakiin Barre Ibraahim oo muujinayo inuusan arrinkaa la qabin nimankan beeshiisa ah, balse uu Abshir ku raacsan yahay fikradda uu ka qabo isku qabqabsiga deegaanada Jubbooyinka iyo arrimaha murugsan ee dhextaal beelaha wada dega halkaa. Tixdan waxay si toos ah oo khaas ah ula hadlaysaa ninkii usoo gabyay Abshir Bacadle iyo inta la fikirka ah, tixdina waa tan:

Deelayda gabay waadigan door ka garanaynin
Waakaad daliilada rag kale daabac rogataaye
Adaa dool ku soo galay dhul kale oo haddana doodi
Damaciisu baasaa indhaha duubka laga saarku
Dibjirada Marreexaan hadmay gabayo daadsheen
Goormay raggii diinka baray doqon ku sheegeen
Waan dabaal dhuflayn gabaygu ee yaana kugu daalin
Waxaan uga duleeyahay hadaan idin dareensiiyo
Haku diganin Sheekhaa addimay daacad hadalkiisa
Ee sheegay suu dawgu yahay duhur dharaareede!
Dulmigaad carriga daadisan wali la daawayne
Caydiid hadduu diiday yiri inaad dul saaraato
Ma duryami sidii geel dhurwaa didayay goor baas
Ogaadeen-kaad Daaroodsatee doqon ku sheegayso
Ee dakadihii uu lahaa damac ku qaadayso
Ma dacaayad baad kaga hor tagi soo dakaan celinta?
Haddii uu dalkii uu lahaa kaaga dacareeyo
Ma daruuso beenaad akhriyi iyo duruufaysi?
Haddii aad ka duudsiday in badan duulkan maqashooda
May nagaysku dada baad ku odhan waa dig iyo yaabe?
Hawiye-han aad daarteed ku tidhi wayna dabar goyn
Sawkay dorraad ku qabteen dagal Kismaanyood
Markii aad dhulkii wada dubtee dhuxul ka daaguugtay
Ee aad dugaagtii idlayd Dubay u iibgaysay
Inaadan deegaan ahayn duulku wada yaabe
Ka damqade raggii daaqi jiray dooxan aad shidatay
Danbigana adaa qaadanoo waa diwaan qorene!
Hadaan maanso deelaydan wacan dib ugu soo laabto
Diin Islaam markii laga hadlaad diba jaleecdaaye
Dariiqada Rasuulkana adaa diiday waa hore e
Sawdigii dorraad uun daldalay culimadii diinta
Sawdigii dalkeenii wacnaa dumay ee laagay
Sawdigii adoo duur ka yimid Janan laguu doortay
Sawkaad qabiil laga daqamay dib ugu soo laabtay
Sawdigii dad Soomaaliyeed didiyay ee laayay
Sawdigii ku daabulay xabsiyo daxalmadoobaaday
Daarood maxaa kaaga xidhan waa duf iyo
Ogaadeen adaa doontay dumayay weelkooda
Qorraxay dilkiisii miyaad daalac bahalaysay
Majeerteenka sawkaad dulmiday duhur dharaareede;
Adoo Sade ku taaq taga in badan dunidan aan joogno;
Kablalax dihina baa soo fakaday oo duubab wada qaatay
Dagtaa iyo dagtaa bay ka imin sida daruurtiiye
Sidii daad mahiigaan watay dunida maanshayne
Waa deeq Ilaahay baxshoo diiday may odhane
Ka digtooni feedh duuban baa dayrka soo xulaye!
Damacaagu meel foolxun buu kugu daheeyaaye
Dagganow intuu Eebbahay duni kaa siiyay!

Gefka Bacadle – Mubaarak M. Nuur

Waa tix gabay ah oo jawaab u ah gabaygii uu Abshir Bacadle u tiriyey Reer Soomaalilaan gaar ahaan beelaha Isaaq, taa oo la magac baxday Gob Cunsuri Ah, waxaana tixdaan mariyey abwaan Mubaarak Maxamad Nuur oo deggan Swiiden.

Maansadu ged bay leedihiyo god iyo miisaan
Abshir gabay gartana meel ka dhaaf godobna meeleeye
Intii garashadiisii ahayd guuroow soo mariye
Gadhna waa ku yaal aadanoow waana ruux gudhane
Garaadkiisa inuu soo hadlaa waa gun shuqulkeede
Gefka dhacay haddii uu ogyoo uu ka gubanaayo
Oo giir Islaanimo ku yaal kana garaabaayo
Ama gabadha meel looga dhacay xumana loo geystay
Samsam adiga inaad guursataa kula gudboonayde!
Guurtida Isaaq waa taqaan xaajadii gudhane
Bari iyo galbeed uunka way kala gar qataane
Hartiga wayna kala guursadaan kalana goostaane
Gelbis iyo mashxarad bay hablaha ugu goleeyaane
Gaaf weyna waa loo sunta aqal leh googoose
Gulufkiyo colaadana mar baa la isku gooyaaye
Markay goorta culus taagantee lagu galaayuuso
Ama geel ninkii lihi ka hadho gaarna uga leexdo
Annagu goobta lagu hoogo baan guula dhalinaaye
Adiguna libtaan gaadhno waad nooga gubataaye
Waxse adiga gaax kaaga noqon baana garanayne
Ha yeeshee gamuunkaad ridee dunida gaadhsiisey
Ee aad geyiga aanu naal nagu guhaadaysey
Iyo nabaradaad geysatiyo guluca aad reebtay
Gurigaad degtaan waa ku caan labada gooroode
Masjidyada kuwii ugu galee dumarka gawdiidshey
Ee Eebbe gooyee jaraa gacal wadaagtaane
Gaalgale wixii lagu faliyo xumihi loo gaystey
Waa kuwaa Majeerteen u galay galablahoodiiye
Gendhenshe iyo Shikhaal hablaan ganac u noolayne
Biyamaal sidaydun u gasheen xaasas baa gudhaye
Garraha iyo Jiiddadu sas bay idinka giigaane
Habargidir waxay geysatiyo gani Abgaaleedku
Ee dumar gabood loogu falay kuma gubtaanyayne
Gondhahaaga bay taal waxaad nagu gelaysaaye
Geeraarku wuxu daaran yahay waan gabyoo qudha e
Maxaan ararta kuu soo godlaa noqotay beyd gaabe!
Afartaa gefkaad geysatooy gole ka muujeen dheh;
Xaqiyo diinti aad gaasirtoo gooni kuu xidhay dheh
Sheekadaad gadaanka huwisoo timi galkeedii dheh
Galladaha Ilaah baa baxshee garshadaydii dheh
Nin baa ararta gaasira intuu geed ka toocsade e
Erayna waa gubtaanyada jirtee balan ku gaadhsiiyo
Gurigiisu nimuu baylahyoo gebi ku soo ciiray;
Inuu fara geshaa aqal nin kale lama gudboonayne
Inaan kuu gurmado baan jeclaa kuna gargaaraaye
Adigana gu’ baa kuu kordhaye garasho waa maafe
Markaad geed u socon weydey ee aad is wada goysay
Eed dawladnimo gaamurtiyo qiimo garan weyday
Ma geesigii kaa dhashaa gacal leh hiil waayey
Wataa gobolladaadii Amxaar soo galaa baxaye
Kii shalay ku gubay baad u tahay weliba gaadiide
Gurgurshaa sidii buu ku raray kuna garaacaaye
Ood weliba gooh dheeryahood sii gunuuniciye
Qoom aan is gaasirin Ilaah ciida lama goyne
Gabay kuuma eegayne waad soo gashoo timiye
Gedii neefka gawracan ayaan waaban geedaha e
Gal dad liqa ninkii garanayaa ways yar gaabshaaye
Adna gees adoon deyin ayaad baxar gelaysaaye
Ood weliba ceeb geystaa aan garow wadane!
Afartaa gefkaad geysatooy gole ka muujeen dheh;
Xaqiyo diinti aad gaasirtoo gooni kuu xidhay dheh
Sheekadaad gadaanka huwisoo timi galkeedii dheh
Galladaha Ilaah baa baxshee garshadaydii dheh
Nin baa ararta gaasira intuu geed ka toocsade e
Erayna waa gubtaanyada jirtee balan ku gaadhsiiyo
Taariikhdu galahay lahayd galaba tay joogtay
Iyo waayeheedii gurmaa kala gol roonaaye
Ninba tuu ka geystay iyo intuu goostay midhaheeda
Haddaan kula gudiyo anigu waan kaa gar helayaaye
Weligaad guhaad baad qabtee waanad garanayne
Gaajaa dhurwaa ugu baqtiyey geli cadaade
Haddaad ganac ku hays aan dhul kale ugamad guurteene
Guud cadaaga baahida qabiyo sebiga goohaaya
Galgaduud haween kuma gam’aan dhawr guyoo tegeye
Haddaad geel u haysiyo waxaad gaawe ugu maasho
Macaluushaad kaga goyn lahayd gabanadaadiiye
Imikaad gawaanaha qodaa goon ka dayataaye
Annaga kii gabiilaa guryaha guule noo dhigaye
Batroolkiina waa gaagsan yahay goola ii qalane
Marsadiina gaadiidku ways gudub maraayaaye
Abshiroow maxaan Xamar gocdaa garaw ma beertaane!
Waxba arartu yay ila gudbine waxaan ku soo gooyey;
Haddii aad gantaal haysatiyo gumuca baaruuda
Amaad Gaanni iyo Ina Siyaad god uga soo yeedho
Ama duul guraangura kun goor la isu soo geeyo
Gashigayga waan raadsadaa guran aqaanaaye
Bal inaad garqaad leedihiin ama garowshiiyo
Gu’gan maanta aan eegayaa garashadiiniiye
Arrintani inay tahay go’aan idinka soo guuray
Oo gabayga loo wada dhanyoo la isla soo guulay
Iyo inuu ninkaa gaar ku yahay gulufka reemaaya
Hawiyoow gudoon baan rabnaa gooshka maanta ahe
Labadaa miduun soo galoo golaha soo jooga
Welibana duqaa geed ku xidha maduxu gaashoobay!

Gobannimo – Cabdillaahi Cawad Cige

Tixdan gaaban oo magaceeda la yidhaahdo Gobannimo soona baxday 8dii Jannaayo 2005tii, waxa ay ka jawaabaysaa gabayga Abshir Nuur Faarax Bacadle uu ka tiriyay gabadha Hargeysa ku xidhan oo magaceeda la yiraahdo Samsam. Gabaygana waxaa tiriyey Cabdillaahi Cawed Cige, oo ku nool magaalada Lifarbuul ee Ingiriiska sida sheegney.

Gaafimeeray maalmahan sidii, goosad lay yidhi,
Nin uun baa gartaydana ogoo, dedaya uun goore!
Abshirow guyaalladan ma tirin, gabay xidhiidhkiiye,
Geeraar ma soo curin intaan, gudiyay qaafkiiye,
Godka lagu negeeyiyo ka tegay, gobolladiisiiye
Galladdiisa niman baa badshaan, sii guraay idhiye
Waxse maanta igu soo gingimay, maanso gelisteeda
Gujadaada weeyee bal aan, galalka baadhbaadho!
Garta inanta lagu foororshiyo, Kiiskan go’i waayay
Sheekada galbeed iyo Nugaal, gees kastaba dhaaftay
Gasac iyo xumaha lays marshiyo, hadalka geesaasan
Gurrac iyo inuu khalad ku jiro, kuu garawsaniye
Hayeeshee Guhaaddiyo halkaad, gelisay baaruudda
Magaadliyo godkaad taabataan, gocanayaa mooyi
Tolka aad go’aan wada sudhaan, gocanayaa mooyi!
Godobtaad Isaaq taarataan, gocanayaa mooyi!
Lixdankaad ku goobyaashay baan, goconayaa mooyi!
Garyaqaanno loo soo xuloo, geydhka wada taagan
Guddiyada xuquuqdoon mar qudha, goynin hadalhaynta
Gadhcas iyo aqoonyahan shiriyo, ururro guuxaaya
Miyaanaan gob lama caasiyee, gabadha taageerin?
Miyaanaan go’aammiyo ka qorin, xeerar wada geydhan?
Miyaanaan xilkii nala gudboon, garannin dawgiisa?
Gar Ilaah taqaan baa Islaam, gole ka naadshaaye
Garaad diin leh baan kuu maqliyo, Caalin gaammuraye
Misna taadu good iyo ka daran, Cuba ku nooleeye
Iyadoo geyiga aan fadhiyo, culimo guurayso
Oo ay diintu gaashaan u tahay, gebi astaantayda
Gacalkaaga anigoo ah iyo, garabka xooggiisa
Maxaad gaalo ii daba-dhigtiyo, Xabashi gaankeeda?
Gabaygii wadaadkii miyaan, lagaba guuraynba?
Gefka aniga lay bado miyaan, qalin geyaa joogin?
Gobollada isdiidiyo anoon, gelin ammuur sheexan
Dhulkaad tayda geysiyo anoon, gacantogaalaynin
Badahaas guntoodiyo anoon, gaadhin dhagartaada
Taariikhda guunka ah anoon, dib ugu guuraynin
Gelin hore wixii dhacay bal aan, guudmar ugu laabto!
Guudkayga nabarraa ku yaal, boogo gaammuraye
Feedhaha goshayduu damqaa, weli gunaadkiiye
Gurbood iyo dhallaan lama hambayn, gawricii dhacaye
Gabadh ugub ah, oday gaabiyoo, Socodka goynaaya
Gadhcasiyo dhallaan kama ay tegin, gaasaskii helaye
Gooddiga Wajaaliyo, Burciyo, go’o nawaaxeeda
Guudka Ceerigaabiyo, Berbera, godanka Shiikh yaallo
Gabaahiir Hargeysaa la baday, Maalin gelinkeede
Gaal baaba loo soo dalbaday, gelelefkaygiiye
Guullaha Raxmaankaa baxshiyo, Geeljirii kacaye
Inaan gaag ka hadhin baa tashiga, loo guddoonsadaye
Intaas oo guhaad igu dhacdiyo, aafo igu geydhan
Inaan godob ku seexdiyo ma rabo, aano iyo giire
Goosashada adaan Faaraxow, gawska ku adkaynin
Gar ninkii akhriyay waa inu, xaqa ku gooyaaye
Gobollaa israaciyo mar bay, garo irmaanaatay
Waxba beri gu’ baa lays ogaa, gaawe haw culanne
Godkaas waxa fadhida xaajo aan, laga geyoonayne
Laba gudub ahaatoo tolnimo, guudka ka wadaagta
Geelaaga oo kuu tarmiyo, kayga garabjooga
Gacal, gacal hantiyay ay farxadi, Gunudday laabtiisa
Gobannimo bartaasay jirtaa, garashadeed qaado
Geeraarka maantana waxaan, talo ku soo gooyay
Gacalow ha marin surimadaad, gabayga qaadsiiyay
Anna gocasho taan qabo xumaan, ha igu gaadhsiinnin.

Abshirow Guuxi Lagu Toosye – Cabdillaahi Cawad Cige

Tixdan gaaban ee soo socota waa gabay uu tiriryey abwaan Cabdillaahi Cawed Cige oo uu dhextaal uga dhigey tuducda ah Garasho Waayeel, waxayna soo baxday 25kii Febraayo 2005tii, waxa ay jawaab uga celinaysaa Abshir Bacadle gabaygiisa uu ugu yeedhay Gob Cunsuri Ah oo Waxa Tihiin, Ficil Gumeed Yeeshay. Abwaanka gabaygiisu wuxuu maray masaafad aad u ballaadhan, tixdani qaybo ka mid ah ayay wax ka odhanaysaa. Abwaanka waxaa uu iminka ku nool yahay magaalada Lifarbuul ee Ingiriiska.

Abshirow gantaalkaad riddiyo, guuxi lagu toosye
Gun baa reer Isaaq yahay inuu, hadalku kaa gaadhay
Gaashaammo iyo Hawd warkii, geeswalbow socoye
Goonyaha Hargeysiyo Burcuu, galay akhbaarkiiye
Godkii Caynabaa laga maqliyo, go’o dhexdoodiiye
Ilamaa Gebilay iyo Xaraf, gaafahuu maraye
Dadka uma gudboonee tolkay, gocasho qaadsiiye
Guhaad iyo xanuun laga bogsaday, godol ku nooleeye
Sheekadu garqaad iyo ka badan, gabadh difaaceede
In baroortu Garo dhaafsantahay, geliyay maankayga
Anna gabay inaan soo hollado, gaanka igu qaadyay
Afartaas ammuuraha gedmiyo, guga hillaacii dheh
Gacal samo u baaqoo la baday, gacantogaalayn dheh
Gobo’ kalena way eray yaroo, garasho waayeel ah
Gal ninkii kitaabka u toshee, diinta garanaaya
Ee ay bulshadu gibil sudhee, xarafka loo geeyo
Dharaartay arrini gaaxsantee, Geer u bixiwaayo
Gamco-siman shareecada inuu, gooyo laga dhawrye
Kol hadduuse xeerkii gembiyo, tiirarkana gooyo
Gole aanu taagnayn hadduu, gar isla soo mooso
Godadkii qiyaastiyo hadduu, male ku goobyaalo
Gudcurkiyo hadduu xaajadii, goorxun socodsiiyo
Sow inuu gurracay talo Islaam, guudka kama muuqan?
Bacadlaa geddaas iyo ka dhigan, garab-ka-fuulkaase
Kunka geeddi sheekada fadhida, godob-ka-qaadkeeda
Waxa adiga guul kaaga noqon, yaa i geliweyday?
Afartaas ammuuraha gedmiyo, guga hillaacii dheh
Gacal samo u baaqoo la baday, gacantogaalayn dheh
Gobo’ kalena way eray yaroo, garasho waayeel ah
Haddii gari Isaaq iyo Hartiga, taallo gudahooda
Iyagaa go’aan waxay damcaan, goosan kara taase
Waa niman gefkii dhaca ka adag, inay gorfeeyaane
Haddii taada lagu guuro oo, laysku galo caawa
Gumucaad cabbaysiyo hadday, guudcasdi qaraxdo
Gadhka iyo haddii dhiig la daro, gawsihiyo saynta
Goblan lagu dambeeyiyo hadday,guuldarradu baaqdo
Geyigoo dhan Fiintiyo haddii, galow ka luuqeeyo
Waxa adiga guul kaaga noqon; yaa i geliweyday?
Afartaas ammuuraha gedmiyo, guga hillaacii dheh
Gacal samo u baaqoo la baday, gacantogaalayn dheh
Gobo’ kalena way eray yaroo, garasho waayeel ah
Dhankayaga gammaan baa murtida, lagu gardaadshaaye
Garowgiyo babbaaygiyo cuntada, gabaygu maansheeyay
Gelimaayo maansadu dhulkay, gaadhay Bacadlowe
In barwaaqadaas kuu gingiman,lagugu sii gaaxsho
Oo uu Guulle kuu sii burshaan, geynayaa duco’e
Guutooyin baa soo socdiyo, geyshashkii Xabashe
Gaalkaad rag kale taarataa, Gaadhadh soo wada’e
Ninkaad geysay fooqee sidii, aarka kugu guuxay
Geesigaaga oo tuban ninkii, goolka kaa dhaliyay
Gubniyaaba kuu soo melmelan, ganacyaweyntiiye
Guryahaad ku faantiyo dhulkaad, igu gufaynayso
Goofafkiyo xabaalahan lafii, sula la iib geeyay
Geeddiga raggii furi lahaa, godanka soo dhaafye
Sidii guushki loo laastay iyo, Ginigi Nayroobi
Gaajiyo waxay diif qabaan, garanba maysaane
Gallaydiyo badh reeb moofadaa, la isku soo gaadhye
Afartaas ammuuraha gedmiyo, uuga hillaacii dheh
Gacal samo u baaqoo la baday, gacantogaalayn dheh
Gobo’ kalena way eray yar oo, garasho waayeel ah!
Godkii aan ku idhi haysku marin,waadigaa galaye
Goosashadan sidii faal cuqle ah, goysay madaxaaga
Go’aankaas bulshadu qaadatee, kuu guntami waayay
Gari kama furniyo xaajo aad, maanta godoshaaye
Gaasira xoraynteed rag baa, iilasha u galaye
Gaasdhegoolihii kacay warkuu, geystay baa qorane
Kala guurnay waa hore haddaad, gaadh is leedahaye
Gudban baynu nahay dawladahan, gobolka uun yaalle
Gacalnimo middaan kuu fidshiyo, geela laba reer ah
Haddii aad ka giigtoo colaad, gaaxsan fidinayso
Intaad guluf Togdheer iyo ku dhaca, Saaxil gocanayso
Dhul aan galabna kuu dudin intaad, geysh u duminayso
Garbahaaga eeg yaan col kale, madaxa kaa goyne!

Jawaabtan Sii Bacadle – Cali Duulduul

Maansada Cali Duulduul sidan ayey ku bilaabatay:

Nimanyahow amuuraha jiraa kala astaan roone
Iminkana tanaan soo arkaa iigu yaab badane
Ilaa iyo ayaantaan maqliyo eegga iyo maanta
Abshir Bacadle gabaygu tirshaa waa indho la’aane
Anbadnimadu wow caadi iyo nuu asqoobaaye
Marka uu in joogaba dad buu ku anfariiraaye
Uu ehel kufaar iyo Amxaar kula itaalaaye
Afkiisuba ma geyo inuu wanaag soo abaabulo’e
Maskaxdiisa eerer iyo miyaa iimo lagu sheegay
Mise waa aqoon gaaban yahay aaba amankaage;
Afarta adkeyaye hadaan erayo taataabto
Islaannimo ku dooda haddana waa agmarayaaye
Aayadaha Qur’aankiyo sharciga ama axaadiistaa
Hadba sida isagu jecelyahuu u anbaqaadaaye
Oodduu ka soo jeedo iyo unugga reerkooda
Umaday dhaceen iyo hantiday ku istareexayso
Ay iminka haystaan ka badan ubaxa geedaha’e
Ooryaha la xaaqiyo caruur olol la leefsiiyey
Ama culimaa’udiin dileen ehlu khayriina
Ama weli afduub lagu hayee Agabar loo haysto
Afka ugama yeedhee dhab buu ugu amaanaaye
Tolow mays ogyahay waa kanoo uunku wada yaabye
Mise waa aqoon gaaban yahay wayska amankaage!
Iyadoo intaasuba jirtoo taalo agahaaga
Oo qabiil ku alaa haysta baan cidi ku eedayne
Arli nabada oo dawlado sugay amaankooda
Uu Eebbe ugu deeqayoo mahad Ilaah joogta
Arrin yari haddii uu ka dhaco waa ku orinaaye
Idaacadaha laga baahiyaa idil ahaantoode
Abid inaan taageerin baan la asaraarayne
Nin Ilaah yaqaana khalqiga wayska ururshaaye
Anshax iyo xishood bay cabsidu kugu abuurtaaye
Ummad dhanoo ilaaq iyo dhib iyo anafoo kuu geysan
Ammintii timaadaba hadaad soo asalaad caydo
Gob inshaaradeed baa ku jira adhaxda feedhah’e
Axadkaan xishoon waxa la yidhi ey ka qaab darane
Abshirow is dhowr yaan ibleys Ubo kuu qodine.

Hawaawigu Dhab Maaha! – Cabdalle Faarax Sigad

Gabaygaan waxaa curiyey abwaan Cabdalle Faarax Sigad 6dii Oktoobar 2006dii.
Sideedana tixdani waxay ku socotaa Abshir Nuur Faarax Bacadle oo curiyey sida aanu soo sheegney gabayo liddi ku ah hoggaanka Soomaalilaan. Tixda magaceeda waxaa la yidhaa Hawaawigu Dhab Maahee, Miyaad Heesta Naga Dayside! Abwaan Cabdalle Faarax gabaygiisa ma uusan qarin inuu kaga soo horjeedo Abshir Bacadle ee uu u jawaabayo, waxaana muuqata sida uu ugu kalsoon yahay abwaan Cabdalle Faarax Sigad fikraddiisa uu uga soo horjeedo Bacadle oo uu isla markiiba ku bilowday gabaygiisa oo ku yiri,
Abshiroow hataataca iyo hadal xumaantiisa, taa oo daliil u ah ka liddi ahaanshaha
Abshir oo uu sugi waayey inuu caddeysto arar gabay kaddib sida caadada abwaannada Soomaaliyeed u badan tahay, laakiin ay noqotey tuducda ugu horreysa ee gabayga.

Abshiroow hataataca iyo hadal xumaantiisa
Haddaad diinta hiil u tahay uma hiloowdeene.
Hammigaagu waa kaa ku yidhi hawdaka soo qabo e’
Hubsanwaagu waa tii Hawiye heertay waa horee
Hawraarta maansada adoon hubin maxaa hadalka kaa keenay!
Hinyi kaca iyo hamaahsiga waxbaa ku horsocdood habo leedahaye
Hargeysiyo Barbaraa lagu horkeenaaye, adigoo hurduunbaad hawd xoraysaaye.
Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid;
Afartaa haddaan hakiyo oon hoos u daadago
Hirdankiyo dagaalkaad wadaa Abshiroow haybsi weeyaane
Hadday Xamar hagaag diiday ooy diintu ka hadaaftay
Oo aad hanuunini kufriga adi ku hoosjooga
Hiilbaaban soo diri lahaa iyo culimi heeryaysan
Ee hiilkiyo xumaantaad wadaan hiifay waa horee
Hawiyaa higgaadini Quraan waa hadal macaankaaye
Hashayduun baad rabtaa inaad haanta goysee
Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid;
Habeenadan khayrka badan ee Ibliis haanta laga buuxshay
Aduunbaa Dijaal nagu hadhoo Abshiroow soo hagoogane
Hadaad diin hawaysani bishani maba habaaqdeene
Hiddo uma aad lahayn ee anaa diinta kuu huraye,
Halkaan kuugu joojaad wali ku haysaaye
Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid;
Halgankii hawaas iyo markaan Herar xoraynaayay
Haylihii Sayidku sheegaybaa malaha kugu hagoognaaye
Hadda diinta lama soo dajine yaad hanuunini
Habeen baad gudaysaa dayuxu hoyday waa hora e’
Hulac iyo rasaas baan ku helin oon timaha kaa hoolin
Hawlyaraan Kismaayaad gashee way ku hodintaayi
Ee hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid.
Haddii uu Majeerteen Hawiye soo horkaco maanta
Oo ay hammiga soo gashaan hawdka Bari gaadha
Hawaas Ciise joogiyo tolkay baan soo horkacayaaye.
Haddii aad hawaawiga Isaaq heer istidhi maanta
Anigaa hoggaanshoo soo horaynaaya.
Hubka niman hindisaan Awdal ku hayaaye
Heegan bay yihiin haddaad nabada heertaan inay Xamar hujuumaane.
Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid;
Haybadaha Ilaahay hibada noo siiyay
Sunnahaa u horeeyo annagu kama habaabayno.
Ee haddaad hooriyoow wiil Hawiye hilib dad ruugayso
Oo aad hanoon moodday dhiigga hawdhabani
Hargeysa inaad hantido waa habeen tagaye
Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid!