All posts by mktbd

Bal Dayooy!

1919kii, markuu Ingiriisku Daraawiish daayuuradaha kula dagaallamay ayay Nugaal ka carareen oo waxay u qaxeen koonfur-galbeed.
Ingiriisku wuxuu xoog lahaa ayuu gees walba kaga keenay. Dhaawici ugu xumaana wuxuu ahaa markii la dilay boqollaal madaxda Daraawiisheed ahaa (qusuusuddii) iyo toddoba wiil oo ilma Sayid Maxamad ahaa. Dad iyo duunyo wixii maalintaa adduun rogmaday ama daar la burburiyey iyo dab wixii la taabay lagama sheekeyn karo. Waxaa ka darraa goortii la hubsaday in Daraawiishi jabtay ayaa dad oo dhami xoolahoodii sidii haruur daatay u boobeen. Ka sii darane, rag badan oo Daraawiishtii ka mid ah ayaa ballan furay, dariiqaddiina ka bayray, intaa oo dhan waxaa u dheeraa digasho iyo ku diigdiigsi, dawixid iyo bal dayooy waxa ku dhacay. Haddaba gabayga soo socda waa calaal iyo xogwarran, adduunku inuu yahay harka labadiisa gelin. Ujeeddada u weyn waxay ahayd taariikh danbe inuu ahaado, Sayidkuna wuxuu yiri:

Cirkaan di’in abaar daalliyaad, dunida oo qiiqday
Dayax ururta daariga ka maray, dirirka oo liiqday
Maruun baa daruuraha cusayb, soo dibbiriyaaye

Deyraanka curashaa ku xigi, daacigii sebene
Maruun buu darroorraa Intuu, daadka soo roga e
Bal dayooy duraabtaa horuu, daafta mariyaaye

Dumaa hoolmay diin xaalufay, dooxadii noqotay
Maruun baa daliigaha dhulkaa, doog ka soo bixiye
Bal dayooy dunqaaraha baxa, dell ka dheeraa

Nin dalleesan intuu duukhayey, doqontu mooddaaye
Inkastuu dunqaarahakan dhacay, dulugle cayroobo
Haw dayrin deeqii Alluu. Dooc ka sugayaaye

Rabbibow dawari kaan lahayn, duunyo iyo maale
Asagoo dirriga jiifsaduu, dayrdhal soo heliye
Bal dayooy maruun buu darfiyi, deeqa caanaha e

Nin dayoobay deyrdeyr hadduu, dawyada u jiiro
Maruun baa daryaankii ka bi’i, doorshay madixiiye
Bal dayooy dalkuu fiiriyuu, dib ugu labmaaye

Sengihii dirrow laga dhigee, dibintu boogoowday
Maruun buu dakaamaha jaraa, soo durduriyaaye
Bal dayooy dabrada weerar baan, daaqad loo heline

Dakankiis nin dowlada haddii, duudsi laga yeelo
Maruun baa dawaarkii is rogay, diiqalyuu socone
Bal dayooy dawaaraha mar bay, daa’iruu kiciye

Nin la dagay sidii doqon hadduu, dacayda laalaadsho
Maruun buu dareemaa inaan, derajo loo hayne
Bal dayooy markuu dido inuu, deyrka jebinaayo

Rayid wuxuu ku dabandeebayaa markaan, dirir u qiimaaye
Dabatoobka Iiddoora baan, deyrka ka eryoone
Bal dayooy maruun baan dawixi, digasho geeraare

Ninkii diricyadiisii kufrigu, daabaca u qaaday
Maruun buu dirramayaa intuu, duubiyaal dhalo e
Bal dayooy da’ uun bow kacdoo, dooyo geliyaaye

Nin ku dilay adoo dagan hadduu, digasho kuu raacsho
Maruun baa dedaddu kaa ba’adaa. diifihiisa cudure
Bal dayooy dawaa’iga marbuu, diirsimaad heliye

Doonyaha shammaalka ah haddii, dakhalka loo laalo
Maruun baa dabaylaha sidaa, kor u dandaanshaane
Bal dayooy dunjiga fuushan baa, daraxu caynshaaye

Dad qaraab nin kuu xigay hadduu, kugu dugaagoobo
Maruun baa dafaarkii fakday, dabin ku rooraaye
Bal dayooy nabsigu waa wixii, daaha yuuraraye

Hadduu daawadii furay nimaad, deris-xigaal moodday
Maruun ba mid duunkaaga jecel, daw ka soo bixiye
Bal dayooy daruun baad heshaa, daacad kuu noqone

Hadduu diinta caasiyay, wixii Dir iyo Daarood leh
Maruun baa jannada deexda weyn, daalibkeed imane
Bal dayooy Darwiish nin u ah, baa loo diyaafadine

Tol dulloobey oday dooralaa, loogu dowgalaye
Maruun baa duqeydii xummad, danabba dhaafaane
Bal dayooy rag caro duuban baa, dib u guhaadoone

Ogaadeenka dulaalayee, degaya meel ay ah
Maruun buu dallaaddaan ku furo, degi ishaalleeye
Bal dayooy shir doonyaale, mar buu soo dabbaldegiye

Doongaha Ammaadina Cabdaa, loogu daw galaye
Dabbaraarihii baa khatalay, daadufka ahaaye
Bal dayooy dalkii lagu galay, deleb ku dhibaane

Duudyaalka reer Cumar Ugaas, duunka kuma hayne
Maruun bay dubbada maalinguur, soo digiigixiye
Bal dayooy dannaaniga mar baa, deexda loo rogiye

Huwan baa darxumo quursateen, damac Alluu naarye
Dillaalkiisa Ina-AwCilmaan1, duxi ka raacayne
Bal dayooy dubbihii lala dhacay, daqarka hoorshaane

Usna daacad dhiib kuma samreen, degaha Haarune
Nimankii dalkoodii la dhacay, uma dagaageene
Bal dayooy dacluuskii qabsaday, kuma danqaateene

Inkastuu jinnnigu duufsadee, Doh iyo Buur geeyay
Marna door intuu ciirsi bido, Dalal ma yeeleene
Bal dayooy dawaaraha mar buu, daw ka soo dhiciye

Cawlyahanka daraf baan lahaa, diifta kula roore
Goortuu Makaahiil dujeey, iga danaysteene
Bal dayooy shisheeye i dafay, an iga doorteene

Aniguba dudmiyo ciil waxaan, dibedda meeraaba
Waxay deyraday igu faleen, deris ahaadaanba
Bal dayooy mar buu iga dubnixi, duunka baahala e!

Waxaan ka soo guuriyay Aw-Cabdille Ibraahim, dabadeed waxaa laaxin tiray Xaaji Cabdiraxmaan Sayid Maxamad.
1.Ina Aw-Cilmi Geeseey.

Dardaaran

1919kii markay taariikhdu ahayd ayaa Ingiriisku ku soo duulay Daraawiish isagoo dayuurad iyo ciidan lixaad leh wata. Dabadeedna waxay Daraawiishi guddoonsatay inay u qaxaan dhanka koonfur iyo webi Shabeelle. Halkaas waxaa degganaa xarunta laanteedii saddexaad oo uu madax ka ahaa Khaliif Shiikh Cabdulle. Ka dib xaruntii weynayd waxaa laga dhigay Qorra, Shinniile iyo Horushagax. In kastoo dayuuradihii iyo ciidamadii Ingiriisku nabarro xun u geysteen, haddana Daraawiishi xooggoodii iyo lixaadkoodii ma dhinmin, waxayna ku tala jireen inay col u qalqaalaan Ingiriis iyo wixii raacsanaa, hase yeeshee, adduunku ma dhammi buu dhashaye, duumo, tacluus iyo furuq baa ku habsaday Daraawiish, markaasay tarab tarab u le’atay. Raggii madaxda ahaa badidoodiina waa geeriyoodeen.
Iyadoo Daraawiishi xaaladdoodu sidaa tahay ayaa Ingiriis iyo dadkii raacsanaa guuto camaaryalay ah ku ballaariyeen, waxay ka heleen geel la baxay Hagoogane. Magacaa wuxuu geelu kula baxay iyadoo la yiri “Geelaa ninkii wax ka saanyooday kibir buu la hagooday, ninkii ka aadayna ciil buu la hagoogtay, ninkii laga dhacayna caloolxumuu la hagoogtay. Dabadeedna Sayidkii iyo wixii Daraawiish ka haray waxay tageen Iimeey oo togga webi Shabeelle xaggiisa sare ah. Rag talo kama dhamaato e, hindiso kaley haanka ku hayeen, hase yeeshee, Sayidka geeridiisa ayaa wax kasta baabbi’isay. Gabayga soo socda ayuu Sayidku mariyey markay Iimeey degeen, dhaawacyadii loo geystayna ka xafaaroobeen. Inkastoo wax si toos ah noogu mariyana aannan helin, kutiri-kuteen waxaan ku maqalnay in Calidhuux gabay digasho ah u mariyey Daraawiish markay jabtay. Waxaa gabayga Calidhuux halkudheggiisu ahaa:

Waa lagu digtaa duul hadduu kuu darraab jiraye
Bal dayooy wadaakii waa kaa sii dabayshadaye.

Sayidku wuxuu ka warramay dad iyo duunyo wixii ka lumay oo dhan, duummadi iyo furuqii neefeeyey, tabaha gumaysiga, tallaabooyinkuu maaggan yahay iyo ciribxumada u dambaysa kuwa gumaysiga u adeega. Waxaannu gabeygan ka soo qornay dad kala duwan oo Daraawiish ah. Wuxuuna Sayidka yiri:

Min daroofle aqal daahya weyn, dedab la heedaamay
Darmo iyo firaash lagu gam’iyo, daalam iyo googo’
Aniga oo waxaan doonayaba, derajaday haysta
Iyo duni wixii nagaga lumay, dararkii Ceeldheero1
Dab wax gubi dayuurado kufrigu, nagu dul gowdiidshey
Dumbuq subaca degalkaan ka kacay, dahab wixii yiillay
Dakhal jabay wixii daar burburay, ama bukhaar duugmay
Didibtii bannaanayd wixii, dad iyo maal jiifay
Diric iyo waxay shiikh dileen, ama duq waayeela
Maxajabad daboollayd wixii, gaal u dukhuulaayey
Dabatoobka Iiddoor wuxuu, dararay caarkiisa
Lo’ durdura wixii deeble geel, nalaka sii daayay
Dullihii shareerraa wixii, daal na caga gooyay
Dirowgii qabsaday reerkayaga, dalankicii gaaray
Dulkuneefle kaan soo ag maro, duullan ka hor geyska
Dan la’aan waxay nagu faleen, darab nijaaseedku
Doonyaha shammalka ah haddii, dakhalka loo laalo
Mar uun baa dabaylahaa sidaa, kor u dandaanshaane
Oo doofaarradii ku jiray. Daraxu caynshaaye

Dabro cudura duumo iyo furuq, waxa dadkii xaaqay
Annagu diidi maynoo mar baa, daayin noo wacaye
Ninkiise tiisa loo deynayaa, haygu diirsado e
K0lna haddaan cid laga deynahayn, mowdka dabaqdiisa
Ninkii haatan nagu diganayow, dan iyo xeeshaa
Dangaraaradii nagu dhacdiyo, webi dabaashiisa
Inkastoo daleel nala dhigaan, doocna nagu cayman
Duuflaalladii naga harow, dan iyo xeeshiinna
Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey
Nimanyahow dammiinimada waa, lagu dulloobaaye
Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne
Dagaalkii nasaarada anaa, daalib ku ahaaye
Dalka ma lihid anigaa ku iri, doora weynaha e
Daliilkii Rasuulkii anaa, doonayoo helaye
Anaa diiday maantuu lahaa, deeqan iga hooye
Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqi naareede
Anaan labada daarood tan hore, derajo moodayne
Markay duushay gaaladu anaan, daabbaddu rarine
Goortay dareeraan anaan, diiradduu qabane
Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
Anaan doora-weynow kufriga, daacadnuu galine
Ferenjiga direyska leh anaan, diiradduu qabane
Sida doxorka Iiddoora anaan, duudxammal noqone
Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis geline
Anigaan dillaalkiyo ardiga, duubiguu xirine
Anigaan dariiqada Alliyo, diinta caasiyine
Daarood Ismaaciil ma oga, dowga loo qodiye
Waa ninkii durbaan tumay markaan, dowga sii maraye
Waa wixii dayooy yiri intuu, soo dabbaaldegaye
Dadow maqal dubuubtaan ku iri, ama dan hawl yeelan
Ama dhaha darooryiba jiryaye, doxorku yeelkiisa
Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon ha moogaado
Dano lagama helo gaal haddaad, daawo dhigataane
Waa idin dagaayaa kufriga, aad u debcaysaane
Dirhankuu idiin qaybahayaad, dib u go’aysaane
Marka hore dabkuu idinku dhigi, dumar sidiisiiye
Marka xigana daabaqadda yuu, idin dareensiine
Marka xiga dalkuu idinku oron, duunyo dhaafsada e
Marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraaye
Mar haddaan dushii Adari2, iyo Iimeey3 dacal dhaafnay
Maxaad igaga digataan berruu, siin la soo degiye!

Waxaan ka qoray Daraawiish kala duwan, rag kale oo gabayadi Sayidka qoray waxay hayaan gabay ka badan. Daraawiishise Sayidkii waa uu u diiday.
1.Ceeldheero: Ceel 20 mayl u jira Ceerigaabo, kana xiga geesta koonfur-galbeed.
2.Adari(Harar): Waa magaalo fil weyn oo dalka Soomaali Galbeed ka mid ah. Taliskii Axmed Gurey u ahayd xarun, waxay caan ku ahayd Islaamka iyo horukaciisa, hadda waxay ka mid tahay dalka Soomaalida ee xabashidu u taliso.
3.Iimeey: Buur go’an oo ku taal webiga Shabeelle xaggiisa sare, Daraawiish baana degtay 1920kii oo ka dhisatay laba daarood oo dagaal. Waa mceshuu Sayidku ku geeriyooday oo lagu duugay

Ninkii Diday Ayaantii

Gabaygan soo socda ninkii loo mariyey ama loola jeeday ina ayihiisii iyo sababtii loo mariyey wax inoo caddeeya lama arag, wax aannaan hubin inaan sheegnana madmadow baa naga galay, wuxuuna Sayidku yiri:

Ninkii diday ayaantii, sidii deeradiyo cawsha
Oo dabataduu kacay intuu, dabinka qoolaabtay
Dunidoo barwaaqa ah ninkii, duufka qalanaayay
Alla doori waa xaasidkii, dacayda dheeraaye
Doqonniimadii buu la tegey, Doh iyo Ceelgaabe
Sidii dowre muuda ah wuxuu, dibedda meeraaba
Dadoo idil hadduu soo maree, derajo soo waayey
Usagoo daddow qaba hadduu, dib isu soo laabay

Goortuu duleedkayga yimid, daallinkii cararay
Dayaydii horeetaan lahaa, inaan ku duulaaye
Wax i daahay mooyiye ninkii, layga dacalbaabye

Maddaa buu daleel iga helee, deyrka soo maraye
Dulmigii horeetuu wax kale, iiga sii daraye
Dumbukhii ina qaataan haddaan, dilo ayaantiiye

Hadduu maanta daab ila dhacoo, daqarro ii yeelo
Anigaa dirirowgii isbaday, dereg la’aaneede
Dibey yaan la ii nixin anaa, dagay naftaydiiye.

Waxaan ka qoray Xaaji Cabdiraxmaan Sayid Maxamed.

Xirsiyo Dabuub Gabay

Darwiishka la oron jiray Xirsi Diihaal Halanje, ayaa Sayidka dhowr gabay 00 kala duwan u mariyey, kuwaasoo uu ku leeyahay Daraawiish goobtii Jidbaalle ayaa lagu jaray (Jidbaallena wuxuu ahaaa goobta keliya ee Daraawiishta lagu jebiyay, tii diyaaradaha maahee). Ninkani Sayidku wuxuu ka doonaayey in duullaan la wado oo Daraawiish dagaal gasho, raggii la laayeyna loo aaro. Wuxuu kaloo Sayidku weydiisanaayay xoolihii baa jiilaalka dhaafiyaye in wax loo taro, gabayaduu mariyay waxaa ka mid ahaa kuwa halkudheggoodu yahay:

Sambab bayga dhacay giir yartii, sixinka weyneyde
Saddex neef kolay tahay wuxuun, sacabka ii saara
Mase waa samraa waa adduun, suu ahaan jiraye
Dalaqyadii jidbaalaa indhuhu, iga didaayaane
Lafta diiran goortaan arkaa, la i diilaacshaaye
Aabbaw ha diidine ciyoon, Delob u heensayso
Duufaan hadduu ila tagoo, ila dawaareeyey
Deyl iyo haddii laygu daray, odayga Diibaala
Inaan daaluqso maxaa, dana oo ii dhaama?

Sayidku wuxuu qaadan waayey saddexda tubuc ee hore hadalka u dambeeya, wuxuuna yiri: “War ma anigaa dagaal diiday?” Wuxuu intaa ku daray: “War qayladaan aad waddaa cadowgay u digaysaaye jooji.” Xirsi wuxuu sidaas u qaatay inaanu Sayidku dagaalkaba dan iyo daarad ka lahayn. Kolkaasuu Xirsi hadalkii meel aan lala rabin gaarsiiyay, dabadeed Sayidka ayaa mariyay gabaygan soo socda oo wuxuu yiri:

Xirsiyoow dubuub gabay ninkii, dabacaan ahaye
Ninkastoo dabeebtaba anaa, duray halkiisiiye
Macnihii daboolnaa ninkii, daalacshaan ahaye
Dulkuneefle oo idil wixii, Dir iyo Daarooda
Dadku waa ogyahay inaan nafluhu, igu dabbaalayne
Ninkii daawadiis ila dhigtaa, talo ka diimoone
Durdur aan go’ayn lama yiraah, waa darfiyayaaye
Badda diiqalyeyn laguma shubo, dowlis iyo yeele
Waxse daal u go’a waa ninkii, dara wadaamaaye
Dayixiyo dujuumaadka layl, waa sidii danafe
Deyrdeyrka hore yaa arlada, lagu dayoobaaye
Goortii shamsadu daahirtay, dunidu nuurtaaye
Iskuduubka hore waa gammaan, daabbaddoo idile
Ha yeeshee dameer iyo farduhu, waa da’ kala weyne
Dooyada waxaa lagu galaa, dooddiyow Xamare
Wax dagaal la geeyaa ninkaan, deyrka jebineyne
Dudda geesiyaan nixin markay, dilaydu yeedhaaye
Goortuu dinaahshuu fuluhu, dib isu laabaaye
Doqon iyo nin raga looma simo, deeqi loo gato e
Ninkii daacaddaa talin hayaa, dahab la siiyaaye
Mar hadduu abaaldooris yahay, daafta laga raacye
Danni iyo yiqiinaad hubtaa, kala dubaax roone
Dululaati maran bay indhuhu, dar u malccyaane
Daa’imo harkii bay dedbuhu, daad u noqotaaye
Afartaa intaan soo dewaray, deel ma ka higaadshay
Doollaab xiireed sideed, diillin maw mariyey
Dawcad kalena waa anigiyo, dan iska sheeggeeye
Wiilyahow dubuubtaad i tiri, laygu dacareeye
Kufraad derajedeynaysaa waa, dururudiinniiye
Dar Alleynu leennahay haddaad, igu dambowdaane
Duunkayga keliyaa la cola, duufillaha geele
Duullanka goortaan wacaan, iga digaysaane
Goortaan idin dareensadana waad, iga dideysaane
Sidii deero yaacdaa kurtiin, sii durdurisaane
Wiilyahow dadkii aad ahayd, nagu dafaarowye
Dekeddii Cadmeed bay tageen, duulkii reer Gorode
Guuleedna doon baa hariyo, duqa Ileeyaaye1
Warfaa Cali siduu doox u yiil, deexda laga waaye
Dunjiguu ahaa reer Yaryare, waysagii didaye
Deyl iyo waxaa idin hor maray, odaygii Diihaale
Adna waxaad la dabandeebi waa, daallinnimadiiye
Waxaan idin dabaalsiin jiraad, dararinaysaaye
Waxaad iga dalbaysaa inaan, kuu dayaafado e
Dowgii adoogaa maraad, dabagalaysaaye
Asaguba wuxuu doy u kacay, deyrihii hore e
Haddeeruu dillaallanahayaa, dalaski dheeraaye
Dani nimay waddaa baa tahaan, duunyo badan hayne
Waxa kaa dunuunicinna waa, duraha jiilaale
Arigiinna waa ka dalmoo, kaa diraacsadaye
Anna daayinkey iguma qadin, daalib ii yimi e
Dacaam siiyayaa iyo wan weyn, ugu digsiiyaaba
Duleedkayga niman soo martiya, dib uma gaajoone
Markaan dirirray gaalada ninki, doofil iga raacay
Sidii duul shisheeye ah ninkii, deero iga yeelay
Dugsigiyo gabbaadkli ninkii, igu dabayleeyay
Ninkii diinka caasiyay markii, lagu dadaalaayay
Duullaan ninkii igu nacay markaan, Deleb u heenseeyey
Ninkii igu dulaaqsaday maalintaan, anigu doonaayay
Daawada ninkii igu furee, igu dugaagoobay
Ninkii duunyadoodii ka tegay, duraha jiilaalka
Degmadooda oo dhaqan ninkii, dalasluhuu meeray
Adiguba danwaa u tiri, hadal daleeleede
Dooc waxaan kuu gelinayn, haad daalib leedahaye
Maandhow maxaa kugu dirqiyay, duujadiyo ceebta?
Deelqaafka xumi waa waxaad, dir u lahaydeene
Hadalkaan daliil loo helayn, waa duf iyo beene
Duuflaal inaad tahay, maxaad aniga ii daartay?
Abidkaa dariiqada Allaa, diradiraysaaye
Ragga diinta saalixiyadaa, dira tiraahdaaye
Daa’irada baas iyo billay, dooshu kula meertay?
Doqonyahow ninkii kaa fiican waa, laga dambeeyaaye
Deli laguma dhaco oo ninkii raga, looma duur xulo e
Goortuu dabbaaraha shidaan, daaqad loo heline
Dalaqyadii Jidbaalle iyo halkaad, igula daalayso
Dani kaama haysee, anaad igu danqaysaaye
Alla dugay! iyo weyda waad, igu dagaysaaye
Yaa duhurka maanta ah tolow, ila dareeraaya
Raggii idinku docogaysan jiray, duray ma siicaane
Adinkay dalleenshaye miyaan, ferenjigii daayay
Wiilyahow dakaanadayda maqan, daara haw geline
Daraawiish kuwii jaray adaa, iiga sii darane
Waxba hay danqine waa qabaa, deyro iyo ciile
Dalka waxaad ku joogtaa intaan, kuu debcahayaaye
Mar haddii dareenkaa i galo, daar kalaa xigiye
Waxaan kuu dawaafinahayaa, daaqatiyo faafe

Waxaan ka qoray Ciise Faarax Fikad iyo Bile Ciise.
1.Ileeye: Ileeye Maxamad Diiriye Cali, wuxuu ahaa oday talaggal ah.

Diiriye Abuu-Jahal

Inkastoo aannu wax badan ku dedaalnay gabayada ujeeddadii loo tiriyey iyo danta laga lahaa inaanu helno, haddanna waxaa jiray gabayo iyagoo qoran aannu helnay, dabadeedna meel loo raaco la waayay, welina sababtii loo mariyey la baadi goobaayo. Waxaa ka mid ah gabaygan soo socda.

Diiriye Abuujahal hadduu diiday Nabigiisa
Oo duubkii xoorooy kufrigana diiradda u qaaday
Bal muxuu dariiqada la yimi daba xabuurraaye
Awalba waw u dareen qabay inaan daahir loo dhaline
Daaxuurka feeraha xumi ma aha Daaroode
Daanweynihii baa u wal qalay dabinta buurnaaye
Daaraha jannada inuu askumo diinta laga waaye
Doofaarka iyo eygu waa derajo dhaamaane
Denbi igama raacsana inuu yahay dirkii Koofil
Haddaan dayo dugaaggaa indhuhu waa ka didaayaane
Dubku kuuma qaban karo nimaan kuu dadba ahayne
Dabatoobku wuxuu igu cillayn dirirtii jecrkiiye
Dagaalkii ninkii ferenji buu iigu duurxuliye
Wuxuu iigu dudayaaba waa daallinkii lumaye
Wuxuu dooni inaan Eebbehay deeqi ii imane
Anna diifta igu taalli waa dacatigoodiiye
Daqar iyo dubaaqiyo diliyo daabbad iyo duunyo
Dakankeyga maqan baa ka badan digada xoolaade
Cali-Gerina waa doorrannaa duunka ka horow e
Dayax buu ahaa iyo shamsada mari dusheennaase
Waa dowlad nimankuu Hindigu daabka ku ulayne
Waa dabato nimankii lahaa deero iyo cawle
Dawar looma shubo wiilashii damaca waallaaye
Daahiyad xun baa lagu jirrabay doog iyo abaare
Adigoo daliilkaas qaboo ciil la duluglaynin
Asaanad guuto dabablay ah iyo duullan bixinaynin
Miyaa lay dalbaday maaggu waa dowgalkii hore e
Dumarkii Cadmecd buu yiqiin inuu dukhuulaaye
Dabar baa Ilaahay ku xiray darab la’aaneedee
Doorada ha qubo waa wuxuu doonayuu helaye.

Waxaan ka qoray Axmed Cali Abokor, Darwiishkuu ka soo qorayna lama yaqaan.

Xirsiyow Dadkii Waxaan Ku Nacay

Gabaygan ujeeddadiisa iyo sababta loo mariyay wax inooga warrama lama arag. Darwiishkii laga qorayna nasiibdarro maannu haleelin inaannu ka warraysanno, sidaa daraaddeed sababtii loo mariyey weli lama hubo. Sayidku wuxuu ku halqabsaday Darwiishkii la oron jiray Xirsi Diihaal Halanje. Waxaa gabayga ka muuqata canaan waayeel eedsheegash iyo hanjabaad. Intaas ayaana nagu filan. Wuxuuna Sayidku yiri:

Xirsiyow1 dadkii waxaan ku nacay, waa dammiinimo e
Wuxuba waa dufulo waalan aan, doocna garanayne
Dawadooda meeshay ka heli, deyiba maayaane

Doqonniino kaliyey u lumi, nimankii Daaroode
Waa niman iblays duufsade, dow ka dhaadhiciye
Waa niman Ilaahay ka deday, labada daaroode

Waa niman dariiqada Alliy o, diinta caasiyaye
Waa niman shareecada dulmiyay, iyo Daraawiishe
Waa niman digniin aan ka qabin, dabaqi naareede

Waa niman darxumo kaaga iman, deeqii loo galo e
Waa niman dalaadaha ku qubi, darajadoodiiye
Waa niman dad kale raacayoo, deyr ka dhaadhiciye

Waa nimanka dibadduu bexee, sii dabeyshadaye
Waa niman canjeelkii dorraad, daawadii furaye
Waa niman qalbigu diiq yehee, doorsaanoo falane

Waa niman dubaaqoodu yahay, inay dareeraane
Waa niman dagaalkii kufriga, iigu duurxuliye
Waa niman aan lala doonahayn, dux iyo liibaane

Waa niman habaar loo dujee, duco ka beydhaaye
Waa daalimiin lagu hurshaa, dab iyo baaruude
Waa niman dad iyo maal Ilaah, damug ka siiyaaye

Waa nimanka dacaygii ku jaray, daaldhaha ahaaye
Waa nimanka deylkii hormaray, dabada dhuubnaaye

Waa niman sidii dumar haween, laga danaystaaye
Waa nimanka doobbiga noqdee, duud xammaalka ahe
Waa nimanka doofaarka qalan, doog iyo abaare

Waa niman digniin aan ka qabo, duq iyo waayeele
Waa niman dareen iga galaan, deyrka meersadaye
Waa nimanka daacuun jaryow, dilay ikhwaankiiye

Waa niman aan dib u fiirinayn, duug waxay noqone
Waa niman dambaabaan waqood, daahir noqonayne
Waa niman dafiray oo ka tegay, daacadda Ilaahaye

Waa niman dillaalkay cuneen, deyn ka buuxsamaye
Dibindaabyo waa niman wax badan, ila dul jeerraaye
Waa niman dakaanadaydii qabaan, duudsi noqonayne

Maandhoow nin ciil dilahayoo, duuban baan ahaye
Dadabtii la ii dhigay ma galo, toban diraacoode
Waxa diifka ii yeelay waa, caro daraaddeede

Haddii doobka caano ah, iyo karuur dacalka lay saaro
Haddii darab la ii soo dhigiyo, duqus la geedeeyey
Dibnahayga soor uma furoo, waa diqaysnahaye
Soomaalidii baan u dudi, daadufka ahayde

Waxaan daabacuu rabinayaa, dabadka Iiddoore
Dul ku neefle oo idilu, way daalibahayaane
Ha yeeshee dubbaha waxaan laga sugi, Doofil iyo Giibe

Waxaan duullankuu bixinayaa, duulka reer Dalale
Daa’irasan baan sugahayaa, deyrtaan dabadeede.

Waxaan ka qoray Saliid Baynax Aaden.
1.Xirsi: Xirsi Diihaal Halanje

Naagaba Dumaashaan Ka Nacay

Gabaygan ujeeddadii laga lahaa iyo sababtii loo mariyay midna lama hayo. Axmad Xaaji Boqor oo ka soo qoray Darwiishkii caanka ahaa la oron jiray Xaaji Maxamad Cawl Ileeye, Eebbe ha u naxariistee, gabayga ujeeddadiisii kama soo guurin. Sidaas daraadeed war kutiri-kuteen ah waxaannu ku maqalnay in afo u dhaxday Sayidka walaalkii Muuse Shiikh Cabdulle, ay martisoor u keentay Sayidka iyo rag la fadhiyay, hase ahaatee soortii waa la ceshay markii loo bogi waayey, dabadeed afadii baa ka xumaatay, hadalna waa laga maqlay, kolkaasuu Sayidku mariyay gabay. Sidaan kor ku sheegnay ujeedada gabayga waa arrin baaris u furan. Wuxuuna Sayidku yiri:

Dumbul reer la joogtiyo waxaan daallin soo ururshay
Waxaan duunyo iyo xoolo iyo duni ka dhiibaayay
Waxaan deeblc geel iyo dabiyo daabbad bixinaayay
Aqal daahya weyn iyo waxaan min u daroofaayay
Dacaamka iyo dhuuniga waxaan daara uga buuxshay
Caanaha dabaasha ah waxaan deeqa uga yeelay
Dareyhimi xiriir iyo waxaan dacal madow siiyay
Waxaan boqor daliigya leh jilbaha dacalladow saaray
Jilbad dalalamlayn iyo waxaan dahab ka laalaadshay
Naagaha dumaashaan ka nacay dabin Alluu qoolye
Waa waxaan dadkeenniyo ahayn dowladdii Nebiye
Waa cadow dagaalamahayiyo duul shisheeye ahe
Waa doxorayaal aan xishood dooc ka garanayne
Waa waxaa kobtii diiqa iyo dowyadaas marine
Waa waxaa dallaaddahaa bannaan lagu dukhuulaaye
Waa wada dabrima diisan iyo dalab-sikiireeye
Waa wada dahaar siiban iyo daba dhurwaalay e
Waa wada dumbulo foolxun iyo madax danduulley e
Waa wada dameer gaaban iyo daaman baqalley e
Waa wada calool daas iyo dacay gafuur weyne
Mindi daab xun iyo toorray hay dabada haystaane
Wixii ay dareemaanba waa dooxanahayaane
Dareemmada cagaarka leh ka badan dayrdhalkay qalane
Lag dulbaax leh iyo Awlal bay damug ka siiyaane
Inkastay durduurlaan nacliga kama dafaayaane
Diihaal hunguri waa wuxuu doy ka dhaadhicine
Waa wada dunuunici sidii nirig diraaceedee
Wuxuun bay duqlaalinahayaan doog iyo abaare
Reeraha la soo degahayana deris ma moodaane
Daraawiishta oo idil ka neceb doofillaha gaala e
Inaan diintu sii waarin bay dacwadeysteene
Nin dillaal ku koray waa wixii dacasha dheeraaye
Deynqaadyadii baa i helay daaddufka ahaaye
Doqoniimadii buu la ciyay duhur dharaareede.

Waxaan ka qoray Xaaji Maxamed Cawl.

Dacayow Daallinkiiyow

Faarax Maxamuud

Caamir Sheekh Xasan oo Sayidka adeerkii ahaa, qusuusida Daraawiisheedna ka mid ahaa, ayaa ka tegay xaruntii Taleex oo wuxuu u kacay dariiqaddii Khaliif Shiikh Cabdille madaxa ka ahaa oo tiil agagaarka webi Shabeelle. Muddo dheer hadduu maqnaaa oo la waayay ayaa Sayidku koox Daraawiish ah u diray, warqadna waa uu ugu sii dhiibay. Hase ahaatee. markay xaruntii dibedda uga baxeen bay is weydiiyeen Sayidku ma wuxuu ina yiri Caamir soo kaxeeya, mise wuxuu ina yiri warqadda uun u geeya oo ka kaalaya? Markay labadaas kala saari waayeen bay dib u noqdeen oo Sayidkii u yimaadeen. Dabadeed Sayidkii intuu soo raacay ayuu wuxuu ku yiri Caamir warqadda u geeya kana soo noqda. Waa iyaga iyo ku Allahoode, kuwi taariikhda wariyey waxay yiraahdeen, Sayidku xantooba ciid ah intuu dhulka ka qaaday oo nin walba marada dacalkeeda xoogaa ugu shubay ayuu ku yiri:

Dacayow1 daallinkiiyow, dacayow daadufkiiyow
Haddaad diiney tiraahdo, waryaa Eebbahay ka daahyow
Haddaad duunyoy tiraahdo, dameer Eebbahay ma siiyoow
Haddaad diriray tiraahdo, …
Haddaad dooyoy tiraahdo, lugaa Eebhahay ka dabaryow.

Ninkaas uu Sayidku habaarayo ama uu yu’anayo waa Faarax Maxamuud Sugulle, oo loo yiqiin Faarax-Dacay ama Kaligiimaadhle, kana mid ahaa qusuusida Daraawiishta. Wuxuu ka baxsaday shirqoolkii Canjeel, dabadeedna Ingiriis buu u galay. Markay nimankii warqaddii Caamir gaarsiiyeen baa waxav ku tashadeen waddada Wardheer ka baxda oo Dannood marta, Buuhoodlena gasha inay maraan si ay u ilaaliyeen wax gaalo iyo cawaankeed arlada ka soo dhawaaday.

Waxay dhul Ilaahay soo maraanba iyagoo ceelka Wirwir la yiraahdo fardihii ka waraabsaday, Nugaalna afka ku haya ayay waxay helaan inan geel hallow ah raadinaya, markay waraysteenna, wuxuu u sheegay in Faarax Maxamuud Sugulle oo askar Ingiriisa wataa uu degay Laasadaar.
Waa niman dhulka aad u yaqaannee, intay fardihii wegeredka u adkeeyeen bay boholaha Laasdaar hoos u qaadeen, dabadeedna Faarax-Dacay oo hurda geed higlo ah oo bohosha madaxeeda balbalo uga dhisan tahay, ciidankiina ka kala maqan yahay bay arkeen. Faarax wuxuu ahaa nin dheereeya oo aanay farduhuna gaarin, Daraawiishna aqoon u leh. Hase yeeshee markuu gartay oo booday ayaa duubkiisii Ilaahay lugaha kaga dabray. Dhowr xabbadood intay raacsiiyeen, duubkiina ka qaateen, bay horay u jeedladeen. Markay dariiqaddii tageen ayay duubkii Faarax, Sayidka hor dhigeen.
Sayidkii markaasuu gabay mariyey oo wuxuu yiri:

Nin daroofle aqal daahya weyn, dadab la heedaamay
Darmo iyo firaash lagu gam’iyo, doonyo iyo raaxo
Dabaq timira doocaanni iyo, malab dul guuraaya
Dulbax kurus dayaafad iyo gool, daalam iyo googo
Dambar ramaga doobbiga la shubi, duraha jiilaalka
Duub wada xariiriyo dab iyo, daabbad iyo xoolo
Gabdho dahab la saariyo shunuuf, dananaglaynaysa
Danutacabka raalliga dabciga, dirashadii qoyska
Dab u shididda daregyeelka kale, duugmadiyo iyo gaashka
Durdur ceel sidiis waxaan halqiga, sedo dabaalsiiyay
Derajo iyo wanaaggii hadduu, duri lillayn waayey
Dul wada qaraabiyo tolnimo, duf hadday noqotay
Diin iyo Daraawiishnimo haddii, laysku deyn waayey
Dariiqii Rasuulkii hadii, la iska diidaayo
Asuu dudi shareecada ninkaad, daahir ugu sheegto
Hadday seeddinnimo door ahayd, Dacay nijaaseeye
Ha lays dilo dagaal waxaan ahayn, daawo lagu waaye.

Waxaan ka qoray Ciise Faarax, Fikad.
1.Dacay: Waxaa lagu naynaasi jiray Faarax Maxamuud Sugulle.

Daawad

Daraawiish alabkeedu wuxuu ahaa meeshii lagama marmaan ah, oo xoolaha u fiican ama oof ah oo cadow ka soo geli karin inay qalcad ka dhisaan, ciidan xoog lehna lagu jaado. Qalcaddii Daawad oo Ayl ka dhisnayd, Daraawiishina si gaara u fiirin jirtay. ayaa waxaa madax looga dhigay Darwiishka la oron jiray Dhowre. Haddaba nin madax ah oo ciidan wata ayaa qalcadaha loo diri jiray si uu u soo eego waxay ku sugan yihiin, ololoheeda iyo feejignaantooda.
Ismaaciil Mire oo rag wata ayaa Sayidku jeer u diray qalcaddii Daawad. Hadduu tegay oo indha-indheeyay meeshii waa uu u bogi waayay, wuxuuna arkay ceelkii qalcadda ku yaallay oo aan hagaagsanayn, xaabada habeenkii la shito oo aan badnayn iyo xoolihii oo aan deyrku u adkayn. Dhowre wuxuu ka baqay inuu Ismaaciil Mire war xun ka geeyo oo dabadeed la xujeeyo, markaasuu Ismaaciil gabaygan sii faray oo wuxuu yiri:

(D)
Ismaaciil1 adaan daayinkaa, diinta laayicine
Markuu waagu daalaco adaa, dowga sii mariye
Dacwaddaan ku faro iiga gee, daahirkii weliga
Ha daayicin walaalow adaa, kheyrku kuu duxiye
Daraawiishta qeybsii intaad, daacad ugu sheegto
Duca waalid waa qabi jirtee, dalidhac haw yeelin
Daar nimaan lahayn baa digniin, dani ka haysaaye
Darajaale aabbahay haduu, Daawad2 nagu jaaday
Dooyada intaan galay miyaan, libin ku daanshooday
Hadduu dooraneynoow kufrigu, duullan soo bixiyo
Oo daarta Ayl yimi haddaan, haad ku dulufaaqin
Allaylahe afkaan soo dirsaday, waa daleel maran dheh!

Markii Sayidku Ismaaciil gabaygaa u kecnay. ayuu Sayidkuna isagoo Dhawre la hadlaaya wuxuu yiri:

Dhowroow dabuubtii aad tiri, duca qab ii keenye
Darwiishkina sheegyoo, ma qarin dacwaddaadiiyee
Hadalkii uu kaasoo damminay, diirka ka caddeeye

Dadku maqal dibnaa inaad ka liri, gaal cad baan diliye
Anna waan ku diirsaday Ilaah, derajo siiyoow e
Maandhoow dedaal yaadan noqon, daaduf been badane

Hadduu dooraweynoow kufrigu, duullan soo bixiyo
Oo soo dareersho wixii, Dir iyo Daarooda
Maandhoow dan haw gelin, fulaa sii dabayshada e

Dogobta iyo xaabadana guro, duquskanuu dhaanso
Durdurkana ha xaalaysanine, dararso laaskaaga
Duunyadana deyr adag u dhigo, yaanay kaa didine

Maandhoow ninkii dowladaa, kuu dagaallama e
Kuwii dumiyay Ilig waa, waxaan daahir loo dhaline
Maandhoow Daawad yuu inaka gelin, cadaw ku soo doontay

Maandhoow derbaan kuu dhisaye, dibedda haw boodin
Dabka hayska lumin, dowyo kaa ridine
Daartana ha bixin daaynkaa, duni intaad joogto.

Waxaan ka soo qoray Daraawiish kala duwan
1.Ismaaciil: Waa Darwiishkii Ismaaciil Mire.
2.Daawad: Waa qalcad degaan ah oo Daraawiishi ka dhistay Ayl, 1904tii-1905tii.

Doqon Baan Ogayn Suudiyow

Dagaalkii Daraawiisheed ee gumaysiga ku jeeday markii uu billowday, iyo markuu dalka Soomaliya aad uga fidayba, Sayidku wuxuu ku dadaalay inuu dalka qayladhaan gaarsiiyo si gumaysiga looga hortago, gaar ahaanna wuxuu warqado u diray culimada diinta. Shiikh Uways wuxuu ka mid ahaa ragga buuniyada ahaa oo laga filaayay inay jihaadka wax ka galaan, hase yeeshee ma yeelin. Yeelid la’aantaas Daraawiishi waa ku colaadisay, waxayna ku tilmaameen inuu Talyaaniga la jiro, dabadeedna waa dileen. Sayidku gabay yar buu arrintaas ka mariyay, in kastoo laga yaabo inuu badnaa, wuxuuna Sayidku yiri:

Doqon baan ogayn Suudiyow1 dahaya naareede
Wuxuu dookhaneeyo xumaan deli la meeraaba
Dambiguu falaayaa Uweys2 loogu dowgalaye
Candho dogoble goortaan dillaa roobku noo da’aye
Dabkuu shidayay Aw-Aaden3 waa diinta Nebigiiyee
Dambaahurada lahabkii miyuu naxarka deebeeyay
Daraawiishta Saalixiya waa oog aan damihayne
Dikrigiyo Ikhwaankii miyaa Eebbe derejeeyay.

Waxaan ka soo guuriyayAw-Daahir Afqarshe.
1.Xaaji Suudi Shabeelle.
2.Uweys: Shiikh Uweys Dheere.
3.Aw-Aaden: Wax noo sheega ma arag.