All posts by mktbd

Qeybta 47aad

Ikhwaanii waxaan kala tagnay ayadoo magaalada Xamar iyo hareeraheedii la nabadeeyay oo ay shaqaynayaan dhammaan waxyaabihii daruuriyaadka ahaa. Waxaa si dhab ah usoo muuqday isku fillaansho ay gaartay mandaqadda koonfureed khaasatan magaala-madaxdii iyo hareeraheedii. Waxaa laga maarmay ciidan shisheeye oo yiraahda waxaan soo celinaynaa nabaddii Soomaaliya. Waxaa laga maarmay hay’adihii oran jiray waxaan badbaadinaynaa kumanaan kun oo qaxday oo qaxooti ah, oo ay kamid yihiin Hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR) iyo Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) iyo kuwa la mida.

Waxaa laga maarmay gacma-hoorsigii shisheeyaha. Waxaa yaraaday cudurradii dadka ku dhacayay maxaa yeelay waxaa meeshii laga suuliyay cudursidayaashii ugu waawaynaa ama fidinayay cudurrada sida hay’adihii qaybinayay cudurrada kala ahaa aydhiska, jixdheerta, qaaxada, qallalka, shubanka ama fuqbaxa, dhiig la’aanta iyo wixi la mida. Waxaa kaloo meesha ka baxay nadaafad-xumidii magaalada taallay.

Waxaa la joojiyay oo dadkii ka nasteen raashinki dhacay iyo daawadii dhacday oo dibadda lagasoo daabulayay. Waxaa la xallin waayay illaa haddana taagan cudurro kusoo kordhay waddanka intii dawladdii dhexe ay burburtay. Cudurradaas waxaa loo tiirinayaa inay ka imaanayaan qashinka nugliyarka oo badaheenna lagu aasayo. Hala waydiiyo arrinkaas Cali Mahdi iyo saaxiibbadiis.

Mujaahidiintu waxay isku laasimiyeen inay saddex shay gacmaha ku haystaan:

  1. Kitaabka Qur’aanka iyo Sunnada
  2. Qori iyo saanaddiisa
  3. Yaambo ama qalabka waxsoosaarka.

Intaasay awoodeen Allana la kaashadeen. Waxaa meeshaas ka hirgalay imaarad yar oo caalamka oo dhan macruuf ka noqotay. Waxay imaaradaasi ku caanbaxday inay soo hoyisay guulo ay gaari waayeen dawlado, hay’ado, culumo, mufakkiriin iyo wixi la mida. Waxaa caddaatay hadday mujaahidiintu laba sano maamulkaan hayaan inay Soomaaliya oo dhan xasillooni kusoo celinayaan isuna keenayaan ummadda kala fogaatay ee Muslimiinta.

Lix bilood gudahood ayay xasiliyeen oo nabad kusoo dabaaleen horumarna gaarsiiyeen koonfurta Soomaaliya oo dhan marka laga reebo meelo yar sida Baydhabo oo kale. Waxaa hubaal ah hadday lix bilood oo kale ku darsadaan inay Hargaysa iyo Boosaaso ka taagi lahaayeen calanka uu Tawxiidku dhexda kaga yaal. Waxay awoodi lahaayeen inshaa Allaahu tacaalaa inay Soomaaliya oo dhan walaalnimadeedii usoo celiyaan oo nabadeeyaan hal amiirna usamayn lahaayeen. Nasriga Alle waa dhawyahay. Jayshu Muxamed sawfa yacuud.

Horumarkii xawliga ku socday wuxuu dhibay raggii dhibkaan oo dhan ka dambeeyay oo markii horaba ka shaqeeyay in Soomaaliya burburto si Itoobiya gacanta loogu galiyo. Waxaa maslaxaddoodii ku luntay horumarka la gaaray hoggaamiye-kooxeedkii qandaraaska kasoo qaatay gaalada. Waxaa qaadan waayay wanaagga ay soo hoyiyeen dhalinyarada yaryar ama ducaadda aan da’da waynayn culumadii waligood bulshada ku dhex jirtay wax horumar ahna aan ka gaarin dacwaday wadeen 60 sano (Ictisaam).

Balaayadaan iyo fawdadaan waddanka ka dhacday oo aan u qabno inay ka dhalatay dawlad la’aanta rag bay beer u tahay oo sugaya inay usoo go’do.

Tusaale: In la qaxo, in la gaajoodo, in cudurro la garan waayay dadka ku dhacaan, in qabiil qabiil la isu laayo, in aan la helin dawlad la yiraahdo Soomaaliya, in qolo walbaa calan ayada u gaar ah samaysato oo  ay ku dhawaaqdo dawlad-goboleed, inaan la helin ciidan Soomaaliyeed oo hubaysan iyo wixi la mida, waxaa arrintaas ka shaqeeyay oo kharash badan ku bixiyay kaniisadaha Kiristaanka oo ku midaysan arrintaas waxayna kaalmaysanayeen caada-qaatayaal Soomaaliyeed.

Boobabka ama wadaaddada Kiristaanku waxay ka midaysan yihiin la-dagaallanka Islaamka. Waxay ogyihiin caqiidadooda xunta ah inay tahay mustaqbalkooda. Waxay dhiiggooda, maalkooda iyo maskaxdooda ku bixiyaan meel marinta Kiristanka socon la’. Ma jiro hal wadaad oo Kiristaan ah oo jaasuus u ah Muslimiinta. Ma jiro hal siyaasi oo Kiristaan ah oo inta ciidan soo kaxaysta ku burburinaya meeshii reerkooda dagganaa asagoo ka barbar dagaallamaya ciidan Muslimiin ah oo gaalada jihaad kula jira! Ma jiro oday dhaqameed iyo ugaas Kiristaan ah oo dhuuniqaate ah ama laaluush-qaate oo inta xoogaa shilimo ah la siiyo idaacadaha ka caayaya diintiisii iyo ehelkeedii! Ma jiraan janan ama saraakiil sar sare oo gaalo ah oo askari dable ah oo Muslim ah amarkiisa qaadanaya ama uu maamulayo wuxuu rabana ku samaynayo. Ma jiro arday ama jaamacad ha dhigto ama dugsi hoose ha dhigto oo Kiristaan ah oo ka faanaya dhaqankiisii, afkiisii, ilbaxnimadisii, abtirsigiisii iyo wixi la mida. Ma jiraan gabdho gaalo ah oo inta xijaab soo qaatay indhashareerna ku darsaday oo waliba ku faanaya! Ma jiro dhakhtar Kiristaan ah oo qof dadkiisa ah oo dhiigbaxaya la gorgortamaya oo leh way yartahay lacagtu ee ku dar, intii ku dar iyo iga dhin la waday qofkii geeriyooday. Maxaa noo haray dadkuba wuxuu ka kooban yahay intaas la sheegay?

Si kastaba arrintu ha ahaatee mujaahidiintu waxay ku dadaaleen inay dadka wacyi galiyaan xag aakhiro iyo xag adduun intaba. Waxay ku guulaysteen oo u dhaga-nuglaaday dad fara badan. Dadkii waxay billaabeen inay noloshoodii maareeyaan markay nabad heleen. Waxay billaabeen inay goobaha cibaadada soo camiraan. Waxay billaabeen inay diintoodii oo baraxla’ bartaan. Waxay ogaadeen waxa lagula dirirayo inay tahay Islaamnimada. Dadku waa Islaam waxaase luggooyay Suufiyo iyo Ictisaam! Soomaalidi inteeda badan ma ahan bulsho la isku hallayn karo oo ay ka dhaadhacday caqiidada al-Walaa wal-Baraa.

Inshaa Allaah waxaan gaari doonnaa ayagoo dagaalkii markuu kululaaday ay furintii uga bexeen mujaahidiintii, waxaase qalbigooda iimaanku taabtay oo mujaahidiinta ka barbar dagaallamayay dad aan ka badnayn boqolkiiba-5. Miyaad illawdeen Muqdisho iyo Sagaalkii Maalmood dagaalkii loogu magacdaray waxa ay sameeyeen qabiilooyin badan oo furinta ku jiray. Axmed Diiriye iyo Xaad maalinkaas jihaadkay ku jireen xaq bayna u arkayeen. Maxaa is baddalay? Cabdullaahi Yuusuf ayaa meesha ka baxay. Asagay ku jihaadayeen!

Ikhwaanii mujaahidiintii tirada yarayd tayo badanna aan hayn oo ay horyaalleen hawlaha waawayn waxaa kusoo kordhay in weerarro qorshaysan oo abaabulan lagusoo qaado. Weerarka waxaa xarun u ah Baydhabo. Baydhabo waxaa laga maamulaa Adis Ababa. Waxaa halkaas lagusoo daabbulaa ciidamo shisheeye oo aad u fara badan. Ciidammadu waxay leeyihiin caddaan iyo madowba. Baydhabo waxaa daggan koox yar oo Cabdullaahi Yuusuf Yey madax u yahay. Waxay ku xaraysan yihiin bakhaarradii Ee.Dhii.Sii (ADC) ay lahayd oo cuntada lagu kaydin yiray. Ma galley baa maxaa bakhaarrada loogu xareeyay?

Bakhaarrada dhexdooda ayaa raashinka lagu siiyaa oo looma oggola inay kala tagaan. Waxay isugu jiraan rag iyo dumar. Say u qayilayaan ayay is dhex seexdaan. Waxaa meesha dhexdeeda looga sameeyay hool wayn oo lagu shiriyo marka la rabo in wax laga saxiixdo. Gaaladu lama tashato fikirna lama waydiiyo baarlamaan-ku-sheegga.

Gaaladu markay mashruuc fulinayso waxay soo diyaarsataa mashruuceedii oo dhammaystiran markaasay inta hoolkii kasoo buuxiyaan ayay masawir ka qaadaan ayagoo gacmaha taagaya oo u eg dad xor ah oo doorasho ku jira. Dabadeedna waxaa la yiraahdaa arrintaas baarlamankii ayaa isku raacay. Waxaa loo yeeraa idaacado ay leeyihiin jawaasiis dhogor Soomaliyeed leh markaasay waxay faafiyaan baarlamaankii oo isku raacay in dawladdu tallaabadaas qaadday. Waxaa loo codeeyay in ciidan shisheeye la keeno!

Mujaahidiintu waxay gaarsiiyeen khayrkii ay wadeen ama imaaradii Islaamka ahayd meelo ka durugsan magaalada Xamar. Waxay gaareen illaa iyo gobollada Mudug ama Gaalkacyo agteeda (Bandiiradlay). Waxay gaareen illaa iyo Kismaanyo. Waxay gaarsiiyeen Baydhabo agteeda (Maanyofuulka). Mujaahidiintu waxay raadinayeen imaarad Islaami ah oo ku dhaqanta shareecada Islaamka.

Mujaahidiintu markay imaaraddaas u saldhigeen oo caalamka oo dhan laga daawaday wanaaggooda iyo xawliga ay ku socdeen oo ay gaalo hubsatay inay yihiin rag meel marin kara mabda’a ay wataan ayaa tartan loosoo galay: Maraykan, Ingiriis, Talyaani, Itoobiya iyo wixi la mida. Gaaladii waxay gashay inay kala shukaansadaan mujaahidiintii. Qolo walbaa waxay leedahay, “Annagaa idin aqoonsanaynee oo idin difaacaynee annaga na raaca. Waxaan idin siinaynaa dhaqaale farabadan. Haye dhaha?” Maya. Maya. Maya!

Waxaan soo marnay imaaradaan dhismaheedii inuusan xalaal ku dhisnayn. Maxaa yeelay waxaa madax ka ah rag ayagu dalbaday in hoggaanka loo dhiibo. Islaamku wuxuu qabaa ninkii yiraahda xukunka hala ii dhiibo inaan loo dhiibin. Khilaaf kama taagna.

Waxaa labeeyay, wadaaddada ama mujaahidiinta oo aan wali hurdada ka toosin oo sheekh kasta oo yiraahda taladiinna ii dhiiba ayay aamini jireen. Nin ku aaminay ha khayaamin.

Waxaa jiray oo kaliya ragga ciidammada hoggaaminayay ayaa ahaa rag adag ama baraarugsanaa sida Shiikh Abuu Mansuur, Mucalim Aadam Xaashi Cayroow, Shiikh Fu’aad, Abuu Zubayr iyo rag kale oo aad u farabadan oo ahaa hoggaanka ama furimaha ciidanka raggii joogay.

Gaaladu markay ka quusatay inay mujaahidiintu aqoonsi ka raadiyaan ama dhaqaale ayay heshiis la gashay jawaasiistii imaarada hoggaaminaysay. Madaxwaynihii iyo Wasiirkii Gaashaandhigga, Shariif Karazaay iyo Jeneraal Indhacadde. Haddaad xasuusataan Indhacadde waxaa looga yeeray xarunta laga xukumo Ictisaam ee ku taal Nayroobi. Xarunta waxaa fadhiya Maykal oo ah daaciga maalgaliya qalcadaha ama xarumaha Ictisaam ay ku leeyihiin Yurub, Ameerika, Afrika iyo meelo kale oo Alle og yahay dadkuse aysan ogayn. Maykal wuxuu kaloo qaabbilsan yahay dabargoynta dacwada Wahaabiyada. Wuxuu maalgaliyaa dacwada ay wadaan Suufiyada, Ictisaamka, Jadiidiyada, Shiicada iyo wixi la mida. Indhacadde iyo Maykal way wadahadleen, waxay kuwada hadleense Allaa og. Shariif Murtad, Indhacadde iyo kuwo kale oo gaaladu dhagta wax ugu sheegtay oo mujaahidiinta ku dhex jiray waxay waayeen fursad ay kaga dhaadhiciyaan mujaahidiinta in gaaladu aqoonsato dhaqaalana laga qaato oo lasoo dhaweeyo gaalada iyo ra’yigooda.

Mujaahidiintu waxay aqoonsi ka rabaan Allaah oo kaliya. Waxay iskaashi ka rabaan Allaah oo kaliya. Waxay gargaar ka sugayaan Allaah oo kaliya. Sharci-dajin uma baahna iyo kharash lagu bixiyo oo manhajkooda waxaa la dajiyay kun iyo afar boqol oo sano ka hor. Markay gaaladii iyo gaalaraacyadii ka quusteen dhalinyaradii hubaysnayd iyo imaaradii ay wateen inay hoos timaaddo maamulka Maykal iyo ducaaddii ku kadsoontay warka Maykal oo u qabay inaan laga maarmin gaalada iyo gacmo-hoorsigeeda ayay dagaal iclaansadeen gaaladii oo wadata rag dhogor culumo leh iyo jawaasiis intaba.

Waxay meel walba soo dhigeen ama xuduuddihii ciidamo ku hubaysan gaadiidka gaashaaman iyo diyaaradaha meel fog wax ka duqeeya. Waxaa mujaahidiintii lagu dhexsiidaayay jawaasiis aad u farabadan. Awalba jaasuusku waa ku dhexjiray laakiin tiradii baa la kordhiyay illayn waxaa loo baahan yahay xog dheeraad ah marka dagaal la qaadayo. Waxaa nalagu dhexdarsaday ciidammo aad u farabadan oo dhogor Islaam leh ama mujaahidiin u eg. Gaalo waxay ka baaraandegtay qaabkii ay noola dagaali lahayd. Gaalada waxaa la shaqaynaya jawaasiis isugu jirta culumo iyo caamaba.

Waxaa dhammaaday qorshihii weerarka. Mujaahidiintiina waa diyaargaroobeen. Qolo walbaa waxay sugaysaa xabbadda sharqanteeda. Mujaahidiintu hadday midaysan yihiin Allana kaashadaan way isdifaaci karaan. Hadday iskhilaafsan yihiin qaarkoodna gaalada la shaqaynayo jab ayey usoo jiidi kartaa. Siday mujaahidiinta la ahayd way isku duubnaayeen jaasuusna kuma dhex jirin. Laakiin sidaas arrintu ma ahayn!

Allaa wax og adinkuse wax ma ogidin! Waxaa nala amray inaan qabanno waxaan awoodno. Qaddarta lama celin karo dadaal ayaase nala faray. Wixii qarsoon Allaa og annagase waxaa nala faray waxa muuqda inaan wax ku qiimayno. Mujaahidiintu dhufays ayey ku jiraan oo qorigay kaybka hayaan gaaladiina waa soo dhaqaaqday oo waxay rabaan inay xabbadda billaabaan markay safka hore soo gaaraan ama usoo jirsadaan qiyaastii 500 oo mitir. Yaan la seexan si aan naloo gaadin.

Allaahumma munzilal kitaab wa mujriya saxaab wa haazimal axzaab, Ihzimhum, aamiin, aamiin. Waa inoo qormada dambe inshaa Allaahu tacaalaa.

Qeybta 46aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 46aad. Ikhwaanii waxaan kala tagnay ayadoo magaaladii Xamar ahayd afka noo kala hayso. Waxaan soo marnay ayadoo magaalada laga nadiifiyay wax alla wixii khabaa’ith ahaa ama xumaan oo dhan inti la awooday. Maahmaah ayaa waxay ahayd qofkii madaxa meel la helaa minjuhuu meel la daydaydaa. Bulshadii ayadoo dhibban oo madaxii iyo minjihiiba meel la wayday ayaa mujaahidiin salka dhulka u dhigeen oo waxay ka dhigeen goob nabadgalyo ah magaaladii.

Bulshadii markay heshay nabadgalyo ayay tabeen nolosha inteedii kale oo ay kow ka tahay nafciga ama waxyaabaha daruuriyaadka ah. Dadku waqtigaas asaga ah ma jeclayn mujaahidiinta oo waxaa cadawgu ka dhaadhiciyay waa shisheeye nimanku idin laynaya ee ha u dhawaanina. Maahmaah baa waxay ahayd ilmahaagu markay kufaanna way kugusoo ooyaan markaad kuftana way kugu qoslaan!

Shacabka ay mujaahidiintu u khidmaynayaan oo ay naftoodii iyo maalkoodiiba u hureen haddii mujaahidiinta laga awood roonaadana way ku qoslayaan oo ku farxayaan markay mujaahidiintu gacan sarreeyaanna way kusoo ooyayaan oo waxay leeyihiin waan baabba’nay ee timir ma haysaan? Sow ma mooddid ilmihii yaraa oo aan waxba kala garanayn oo markaad kuftana kugu qoslayay markuu kufana xaggaaga usoo ooyayay si aad dhibta ula qaybsato. Ilmaha waa la barbaariyaa illaa ay ka fahmayaan aabbahood markuu kufo inay garabka qabtaan oo dhibta la qaybsadaan (xilkasnimo gaarsiin).

Shacabkuna wuxuu u baahan yahay in loo dulqaato oo wax la baro (caqiidada saxda ah iyo al-Walaa wal-Baraa). Waxa lagu dagaallamayaa waa shacabka maxaa yeelay qofkii u dagaallamaya in Ilaahay kalimaddiisu kor noqoto shacabkuna garab istaago ayaa guusha leh. Midda labaad shacabku waa dad Muslimiin ah oo la rabo in diintoodii laga fitneeyo ayaguna ma aysan helin cid u sharaxda dantuu ka leeyahay cadawgooda soo jireenka ah iyo kan dhogorta Muslim leh oo isu kaashaday inay waydaariyaan waddada xaqqa ah kuna adeegtaan oo ay u nacamleeyaan ayagoon fahmin khiyaamadooda dhuunta.

Mujaahidiintu waxay ku khasban yihiin inay qabtaan wixii ay awoodaan ayagoo Ilaahay ku raalligalinaya dadkaan walaalahood ahna ay ku dadaalayaan meeshii ay noloshooda ku maarayn lahaayeen ama waxsoosaar ay ka heli lahaayeen si ay uga maarmaan gacma-hoorsiga shisheeyaha aan u naxayn, badanaa hay’ado wata magac Muslim iyo mashaariic waawayn oo ay leeyihiin dadkaan wax ugu qabanaynaa haddana jawaasiis ah. Ha jaasuuseene waxba uma qabtaan bulshada oo intay Nayroobi hoteelladeeda dagaan ayay dhuuniqaate Soomaali ah waxay siiyaan 500 oo doollar. Markaasay waxay ku dhahaan noo sixiix waraaqahaan. Markaasuu u sixiixaa. Shahaadatu zuur.

Waraaqaha waxaa ku yaal inay Soomaaliya ka hirgaliyeen mashaariic waawayn oo ay ku baxday qiyaastii 45 milyan oo doollar, iimaanlaawihii qaatay shanta boqol waxay usoo dhiibaan 15 kartoon oo daawo dhacday ku jirto, 3000 cinjir ama kondhom waxay ugu yeeraan. Cinjirradaas waxaa ku moor-garaysan ama ku jira aydhis iyo cudurro la isku dardaray oo dilaa ah. Waxay kaloo dadka ku dhiirrigalinayaan inay dhillaystaan ama isu-tagaan hadday isu baahdaan. Cudurna qaadi maysid uurna yeelan maysid!

Waxaa kaloo loosoo dhiibaa Alle ma-liibaanihii lagu liibaanay 15 kun oo cirbadood oo la leeyahay waxay u fiican yihiin hooyada dhashay oo haddana dhiigbaxday. Waa dhalma-joojin cirbaduhu. Alaabtaas waxaa kamid ah dhawr kartoon oo ay ku jirto goojooyin ay leeyihiin waxay u fiican yihiin ilmaha jix dheerta qaba iyo dabaysha waase been. Waxaa laga yaabaa inay dhalooyinkaas kusoo shubaan biyaha badda dadkuna waxay u malaynayaan in daawo ku jirto markaasay saf dheer u galayaan. Reer ba’ow rag laawe.

Hay’adaha jawaasiista ah waxaa qaacidadooda kamid ah ama siyaasaddooda inay dadka barakiciyaan oo dagaal abaabulaan. Dadku markay islaayaan oo dhimasho iyo dhaawac soo gaaro oo ay baahdaan ayay dhex ordaan oo yiraahdaan waxaan wadnaa dhiig joojin. Maxay isugu dirayeen hadday dhiiggooda joojinayaan ama ka naxayaan? Dhaqanka Yahuudda ayaa sidaas ah Ilaahayna wuxuu kaga xikaayooday suuratul Baqara.

Aan usoo noqonno magaaladi Xamar. Waxaan soo aragnay magaaladii oo xasilloon oo nabad la helay xoogow bilicdeediina soo noqotay. Mujaahidiintu waxay u istaageen inay daboolka ka qaadaan ama kusoo celiyaan gacantii dadwaynaha ilihii dhaqaalaha oo shayaadiintu albaabbada isu dhifteen. Waxaa laga billaabay siday u kala muhiimsanaayeen. Waxaa xoogga la saaray in la furo dakaddii waynayd iyo eeraboorkii waynaa ee Xamar.

Waxaa la isugu geeyay muruq iyo maskax wixii la hayay. Waxaa lala kaashaday bulshadii iyo samafalayaashii u taagnaa horumarinta shacabka. Waxaa shaqo billaabay dakaddii iyo eeraboorkii Muqdisho. Waxaa kusoo xirtay maraakiib waawayn oo wada waxyaabihii daruuriyaadka ahaa oo dadku u baahnaa. Waxaa ammaan helay oo boobkii ka nabadgalay dadkii hantidooda la dhici jiray markay dakadda kala baxayaan. Dadka si toos ah iyo si dadbanba waa loo dhici jiray.

Mooryaantu si toos ah ayay u raran jireen raashinka ganacsatada oo xoog ayaa looga qaadan jiray mararka qaarkood. Mar marna waxaa la dhihi jiray na siiya kun kiintaal oo raashin ah iyo waxyaabaha ciidanku u baahan yahay waxaan idinsiin doonnaa markaan magaalada xorayno ama reer hebel ka adkaanno iyo wixi la mida. Waxaa kaloo kamid ah wixii lagu cuni jiray, keena canshuurtii dawladda hoose. Muxamed Dheere hadda xaggee buu ku dambeeyay? Tawbad baa u furan intuu nool yahay waase la dullaystay. Allow waafaji tawbada haddaad khayr la damacday asaga iyo kuwa kale oo Alle ka fogaaday.

Waxaa billawday dhaqdhaqaaq ganacsi dibad iyo daakhilba. Eeraboorkii baa waxaa kasoo dagay diyaarado waawayn oo isticmaali jiray eeraboorro aan xamili karin culayska diyaaradaha waawayn. Dadkii baa waxay ka raysteen meelihii fogaa ee ay diyaaraddu kasoo dagi jirtay sida Ballidoogle, Ciisalay, Nambar Konton, Dayniile iyo meelaha la mida. Dadku ayagoo maantoo dhan safar cirka ah kusoo jiray oo soo socday ugu yaraan siddeed saacadood ayay haddana waxay kusoo safri jireen dhulka oo asna qaadanaya ugu yaraan saacado kale. Safarka dhulku wuxuu ka khatar badnaa kii hawada oo asaga laftiisu khatar lahaa maxaa yeelay dadku waxay saaran yihiin diyaarado gaboobay oo aan adduunka laga oggolayn inay hawada galaan ama dad qaadaan. Kan dhulkuna khatartiisu waxay ahayd labo arrimood: jidka oo aad u burbursan oo waxaa laga yaabaa in gaariguba la gaddoomo rakaabka sababtuna ay tahay jidkoo xun iyo xirfad-yarida darawalka ama mas’uuliyad-darradiisa. Tan labaad waxaa meel walba taagan mooryaan markay gaariga guuxiisa maqlaan isbaaro dhiganaysa oo dadkana dhacaysa gabdhaha Muslimiintana kufsanaya.

Sidoo kale dakadihii yaryaraa waa laga raystay oo dadku waxay wax kalasoo dagaan dakaddii waynayd oo magaalada dhexdeeda ku taallay oo mujaahidiintu fureen. Dakadihii magaalada ka fogaa sida dakaddii Ceel Macaan oo kale dadku waxay ku qabeen dhib xagga amniga iyo xagga dhaqaalaha intaba ah iyo jidka oo ahaa mid xun ama aan sinnayn oo laga yaabo in gaarigu qalibmo, iyo isbaarooyin aad u fara badan oo mid walbaa kaa rabo inaad lacag badan siiso. Kuwaa laga yaabaa inaysan lacagba doonayn ee ay rabaan in ay hantida gaariga saaran oo dhan ay dhacaan. Waxaa laga yaabaa in dagaal faraha looga gubtay dhexmaro kooxda burcadda ah iyo hantiilayashii gawaarida wadatay.

Waa annagii soo marnay in dadku hubaysnaayeen oo dadka qaarkiis hubka isku difaacayeen marka hantidooda iyo sharaftooda lagusoo xadgudbo. Waxaa dhici jirtay dhimasho iyo dhaawac aan yarayn. Waxaa laga raystay safarradaas khatarta badnaa haddana aan laga maarmin oo maalin walba waxaa magaalada ka bixi jiray ama soo gali jiray safarro ama shixnado laga yaabo in dhiig badani ku daato marka ay baxayaan iyo marka ay soo galayaan intaba.

Shabaabku ama mujaahidiintu waxay isu qaabeeyeen ama u shaqaynayeen hab dawladnimo. Waxay sameeyeen goobo dadku u xukun tagaan oo loogu garqaado. Waxay sameeyeen ciidamo u taagan soo-qabashada ciddii dambi lagusoo oogo. Waxay sameeyeen ducaad ama odayaal dadka xogtooda qaabilsan. Waxaa hantidoodii loo celiyay dad farabadan oo laga faramaroojiyay tabacoodii ay kusoo dhinteen. Waxaa laga billaabay hanti soo celintii: aseendooyinkii waawaynaa iyo dhulkii ganacsiga oo ku yaallay meelaha waxsoosaarka leh sida dukaammada, bakhaarrada, hoteellada iyo wixi la mida.

Dadkii markay ammaan heleen oo la nabadgaliyay naftoodii iyo maalkoodii hantidoodiina loosoo celiyay oo lakala xukumay ayay u jahaysteen waxsoosaar. Waxay tacbadeen beerihii, waxay lasoo dageen badeeco ay ka keeneen dibadda, waxay dib u fureen bakhaarradii ay ku ganacsan jireen. Waxay fureen maqaaxiyihii dadku wax ka cuni jireen. Waxay fureen hoteelladii musaafiriintu ku nasan jireen. Waxaa la furay meelo caafimaad oo dadka lagu daaweeyo oo tayo leh.

Waxbarashadii iyo Dacwadii Caamka Ahayd

Waxaa loo gudbay in dadka jahliga lagala diriro oo wax la baro. Waxaa la furay dugsiyo Qur’aan iyo madaaris diinta lagu barto. Waxaa la nooleeyay dacwadii ka socotay masaajidda dhexdeeda. Waxaa la abuuray siyaasiyiin dadka ka dhaadhiciya in bulshada Muslimiinta ah ay leedahay manhaj iyo qawaaniin Rabbaani ah oo diyaarsan. Dadku ma yaqaannaan umana diyaarsana ku-dhaqanka shareecada Islaamka bal waa kasoo horjeedaan in lagu dhaqmo ayagoo aan is ogayn. Reer guura raac iyo carruur loo kala sheekee ismana arkaan!

Sheeko Gaaban ama xirfad ay adeegsadaan reer guuraagu: Dadka reer guuraaga ah waxay leeyihiin xirfado iyo dhaqamo ayaga u gaar ah. Waxay adeegsadaan murti ay kala dhaxlaan iyo maahmaahyo dhaqankooda ka warramaya. Xirfadahooda waxaa kamid ah: Markii reerku meel u hayaamo waxaa la galaa socod dheer. Waxaa daala dadka maxasta la yiraahdo ama carruurta iyo haweenka. Lama hayo gaadiid lagu xambaaro ilmaha daalay iyo hooyada dhiig la’aantu hayso oo laga yaabo inay xalay umushay ama sagaalkeedii dhammaaday (uur leh).

Cunuggu markuu daalo oo socon waayo ayaa kuwa asaga ka roon oo aan waxna u qaban karin kana tagi karin waxay adeegsadaan kalmad cabsi galin ah. Waxay yiraahdaan: war soo carar yuu ku cunin ama ku qaadan reera guura raacu! Markaasaa canuggu wuxuu adeegsadaa awooddiisii ugu dambaysay orod buuna is dhigaa asagoo argaggaxsan oo afkana qaylo ku dhiftaa. Sidaasaa lagu geeyaa goobtii uu doonayay aabbuhu inuu reerka ku furo.

Jumladaan ama murtidaan waxaan ka faa’iidaysanaynaa laba arrimood:

Midda koowaad: Dadka Muslimiinta ah iyo diintoodii waa la iska horkeenay ama la isku diray. Waxaa loogu sheekeeyay diinta Islaamku naxariis ma leh oo waxay ka hor imaanaysaa xuquuqul insaanka iyo Qurumada Midoobay waxay dheheen waxaa fiican ku-dhaqanka diin-muq-furad-la’aanta (dimuqraadiyada), waxaa lagu yiri Islaamku qofka oo nool ayuu dhagax ku dilayaa, qofkii oo nool ayuu cadba mar gooynayaa, lugta goo, gacanta goo, dhagta goo, ilig ka siib, sanka ka jar, carrabka ka goo, boqol karbaash ku dhifo!

Musiibada haysata dadka Muslimiinta ah intooda badan waxaa weeye aqoon la’aanta ka haysata diintoodii. Intii diinta taqaannay ama culumada la oran jirayna waxaa lagu ibtileeyay fulaynimo iyo adduunyo jacayl in yar oo Ilaahay u naxariistay mooyee. Kii wadaadka ahaa waa qariyay xaqqii asagoo danahiisii ka dhex arki waayay shareecadii Islaamka. Jaahilkiina maxaad ka sugi haddii caalimkii inxiraafay ama xaqqii qariyay?

Qodobka labaad waxaa weeye qofka banii-Aadamka ah iyo awoodda Ilaahay siiyay oo uusan isticmaalayn illaa uu dhibtoodo ama argaggax ku dhaco. Fiiriya canugga yarka ah. Wuu socon waayay oo iska fariistay. Markaasaa waxaa lagu yiri war bahalku ku qaaday ee kasoo carar. Asagoon cidi shidaal ku shubin ayuu konton kiilomitir jaray. Waa isla asagii laakiin markii hore naftaa ugu sheekaysay ma dhaqaaqi kartid ee halkaan fariiso. Soo uma eka fatwadii Shiikh Umal, Shible, Shiikh Xasan Ashkir iyo dhammaan odayada Ictisaam inay naftoodu ugu sheekaysay jihaad lama wadi karee isu dhiiba ciddii jihaadka lagula jiray meeshaad maraysaanna ma dhaafi kartaan. Naftiina ha haligina!

Culumada iyo ducaaddu waa daaleen laakiin waxay u baahan yihiin qolo ku tiraahda war iska jira reera guura raaca. Waan hubaa inay adeegsan doonaan awooddii Ilaahay siiyay oo ay naftu ugu sheekaysay halkaan ma dhaafi kartaan. Waxaan dadkii hore ka dhaxalnay murti iyo maahmaahyo. Waxay wax ku cabbiri jireen hal eray markay wada hadlayaan ama qofka laga rabo inuu ra’yi dhiibto. Tusaale haddaan usoo qaadanno erayga ah ama gabay: Rag tashaday dhul waa toli kaaraa taako labadeede. Eraygu wuxuu ka kooban yahay saddex jumlo. Rag tashaday. waa jumlo mufiido ah oo waxaa laga fahmayaa wadatashi. Dhul waa toli karaa, waa jumlo kale oo waxay muujinaysaa camalkii oo lagu dhiirraday oo aan laga biqin ama loo malayn inaan waxba laga qaban karin maxaa yeelay dhul dillaacay oo kala go’ay caqliga waxaa kusoo degdegaya inaan waxba laga qaban karin. Taako labadeed, waa jumlo kale oo muujinaysa inaan camalka maalin lagu dhammayn karin ee tartiib tartiib loo qabto. Haddaad damacdo inaad maalin qudh ah ku dhammayso dhismo dabaqyo ka kooban kuu suuroobi mayso oo waqtigu kuuma oggola awoodduna kuuma oggola markii qorraxdii kaa dhacdo adoo aan hal taako dhisin waxaa kugu dhacaysa qalbi jab iyo haziimo aadan mar dambe dhagax kor u qaadayn. Dadaal gaari doontide.

Nin ka degdegay biyo u muuqday oonna uu hayay! Waxaan maqlay in nin Soomaaliyeed xoolo usoo aroorsaday meel loogu sheegay inay biyo leedahay. Meesha waxaa looga cabbaa oo biyaha lagula soo baxaa wadaan iyo dowli. Ceelkii buu yimid. Xoolihii buu carruurtiisii ii celiya yiri. Wadaantii iyo dowligii ayuu ceelkii u daruuriyay ama u laalaadiyay. Wadaanta waxaa ku xiran xarig dheer. Wuxuu islahaa meel dhaw ayaad biyaha ka helaysaa laakiin ma dhicin oo ceelku waa dheer yahay. Markuu xariggii cabbaar ku daldalay ceelkii oo uu waayay sharqantii biyaha ayuu go’aan qaatay inuu wadaantiisii dib usoo ceshado. Wuxuu soo jiiday xarigii wadaantu ku xirnayd. Wadaantii ayaa u muuqan-wayday, inta toorrey lasoo baxay ayuu xarigii dhexda ka kala gooyay, wuxuu yiri asagoo aad u xanaaqsan inaga keena tan Caynabaa ka biyo dhow ee. Canynabo waa meel kale oo biyo leh laakiin ceelasheedu gaagaaban yihiin. Jumladaan waxaan ka faa’iidaynaa labo arrimood.

  1. Samir la’aanta wadaadka ku dhacday oo biyihii oo uu dultaagan yahay uu sugi waayay.
  2. Xariggii dhammaa oo uu xoolaha ku waraabsanayay oo uu iska kala gooyay dulqaad yaridiisa iyo fakar la’aantiisa. Ceelka ninka ka yaabiyay waxaa la dhihi jiray Walwaal iyo Wardheer wuxuuna ka doorbiday inuu aado Caynabo oo masaafo fog ujirta Walwaal iyo Wardheer.

Fulayow guuli kuu dhawaydaa! Wadaaddada gaalada isu dhiibay samirkii baa ka dhammaaday waxaase ku dhacay laba arrimood oo doqonnimo ah:

  1. Ayagaa u maleeyay ee ma aysan daalin tabartiina kama dhammaan ee naf iyo shaydaan ayaa ugu sheekeeyay halkaas ha dhaafina.
  2. Ha isdhiibaane maxay hubkoodii gaalada ugu wareejiyeen? Haddaysan hawsha wadi karin maxay walaalohood fil Islaam u siin waayeen hubka (ONLF). Waxaa taas ka murugo badan dhalinyaradii u dagaallami jiray magaca Ilaahay inuu kor noqdo oo la oran jiray mujaahidiinta ayay ku amreen inay la dagaallamaan ciddii magaca Alle kor yeelaysa! Magaciina waa ka baddaleen oo waxay u bixiyeen Niyuu Booliis. Waaba ku faanayaan mana qarsanayaan in magacooda la yiraahdo Niyuu Booliis Islaamiyiintana ay la dagaallamayaan.

Ikhwaanii waxaa na sugaya hawl aad u culus. Waxaa nagusoo wajahan duullaamo waawayn oo cadawgu soo maleegayo, waa gaalada asalka ah iyo murtaddiinta.

Waxaa caado u ah khayrlaawayaasha ama kuwa Ilaahay diintiisa la dagaallamaya markay arkaan iftiinka Islaamka inay isku dayaan inay damiyaan isuna bahaystaan la-dagaallanka diinta iyo ehelkeeda. Soomaaliya gaalo waxay ka damacday inaysan saldhigan dawladna aysan helin (dawlad Islaam ah). Waxay ku shaqaysanaysaa gaaladu dadkii bulshada hurmuudka u ahaa, culumadii, odayaashii, aqoonlaawihii in-yar-gartihii (indheergarad), ganacsatadii (dhuuniqaatayaashii), hay’adihii (jawaasiistii), saraakiishii (khaa’imiintii), Galaal iyo raggiisa.

Akhristayaaloow meel fiican ayaa wax noo marayaan haddaan nalagusoo duulin. Xilligu waa 2007. Wanaaggii Islaamku waa soo bidhaamay. Xamar waa la nabadeeyay, waxay gaartay horumar aysan gaarin waligeed. Waxaa hal mar daafaha caalamka laga wariyay wanaagga ay gaartay koonfurta Soomaaliya. Waxaa soo laabatay haybaddii laga xayuubiyay magaala-madaxda Soomaaliya. Dadkii Soomaaliyeed oo daadsanaa daafaha adduunka ayaa soo laabtay. Waxaa iskasoo dabadhacay dalabka qof walbaa oo raba inuu maalgashado ilihii dhaqaalaha. Warkaasu wuxuu dhibay gaalo iyo gaaloraacyo.

Waxaa la fadhin waayay oo gilgilatay Waashintoon iyo Landan, cabaad ayey afka ku dhifatay. Meles iyo Mooy waa is dhiibeen. Munaafiqiintii waa qexeen. Murtaddiintii waa milmeen waana la waayay. Muslimiintii waa maraxsadeen. Dhaqaalay heleen. Mucaskar-diide iyo minjaxaabiye-jihaad murugo darteed maruu huwaday (Al-Ictisaam). Waxaa midoobay maalin qura mujaahidiintii.

Ikhwaanii waxaan sii wadi doonnaa inshaa Allaahu waxqabadkii mujaahidiintu ay bulshada u adeegeen. Waxqabadka aan kasoo sheekaynay waxaa u dheeraa mujaahidiinta difaaca ay difaacayeen diinta iyo ehelkeeda. Waan hubaa inaan la is daynayn oo duullaan nagusoo maqan yahay laakiin gacanna beerahaan ku falanaynaa gacanna xabbaddaan ku ridaynaa. Allaahuma munzilal kitaab, wa mujriya saxaab, wa haazimal axzaab, ihzimhum, aamiin, aamiin.

Waa inoo qormada dambe inshaa Allaah.

Qeybta 45aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 45aad. Ikhwaanii waxaan kala tagnay annagoo ballanqaadnay inaan wax ka xusno waxqabadkii iyo halgankii ay soo mareen mujaahidiinta Soomaaliyeed (Shabaabul Mujaahidiin).

Mujaahidiintu waxay soo wadeen dagaalkaan ay kula jiraan gaalada iyo gaalaraacyada muddo dheer. Intaas ay dagaalka ku jireenna waxaa lagu hayey dhibaatooyin aad u badan sidoo kalena waxaa diiddanaa in mujaahidiintu khayr gaarto dad Soomaaliyeed oo badankoodu culumo ahaayeen.

Mujaahidiintu maxay raadinayeen ee loo diiddanaa? Mujaahidiintu waxay raadinayeen hal shay oo kaliya. Waxay rabeen in la helo dawlad Islaami ah oo shacabka Muslimiinta ah u khidmaysa. Haddii la helo dawlad ku dhaqmaysa shareecada Islaamka waxay bulshadu helaysaa dhammaan nolosha aasaasiga u ah qofka bani-Aadamka ah sida nabadgalyada, caafimaadka, waxbarashada, ganacsiga iyo ciidamo ilaaliya cirdiga iyo sharafta qofka Muslimka ah.

Hub ka-Dhigistii Maleeshiyaadka

Mujaahidiintu markay magaalooyinka qabsadeen waxay ka billaabeen waxqabadkoodii. Waxay hubkii ka dhigeen dadkii Soomaaliyeed ee uu cadawgu isku hubeeyay. Dadka hubaysnaa waxaa kamid ahaa dad ay adeegsanayeen hoggaamiye-kooxeedkii iyo gaalada waddanka kusoo duushay. Waxay u badnaayeen dhalinyaro aan tacliin lahayn ama baadiye laga keenay oo been loo sheegay.

Maleeshiyaadkaas waxaa mushaar u ahaa waxa ay dadka ka dhacaan. Waxaa raashin u ahaa qaad iyo daroogo. Waxaa xaasas u ahaa gabdhaha Muslimaadka ah oo ay kufsadaan haddana dilaan. Waxaa mustaqbal u ahaa riyo iyo mala awaal uu nafta ugu sheekeeyo intuu qaadka cunayo. Waxaa raaxo iyo nasiino u ahayd inuu dhaawac soo gaaro oo meel la isaga xooro. Maalinkuu dhaawacmo ayaa isugu dambaysa asaga iyo kaaba-mooryaanka. Halkaasuu ku waayaa naftiisii iyo riyadii daroogadu tusisay. Xaqiiqdu waa saas.

Dadka hubaysnaa waxaa kamid ahaa dad hubka ku ilaalsada naftooda iyo maalkooda. Waxaa kamid ahaa shirkadaha waawayn. Waxaa kamid ahaa dad aan ganacsi wayn lahayn laakiin hubka u qaatay inay cirdigooda ku ilaashadaan. Waxaa jiray hay’ado gaalo u shaqeeya oo aad u hubaysnaa. Hay’adahaasi waa kuwa maalgalinayay fawdada iyo dagaalka sokeeye. Hay’adaha magacyada khayriga ku shaqayn jiray waa kuwa Soomaaliya ama caalamul Islaami burburiyay.

Siyaasaddooda waxaa kamid ah intay bulshada soo dhexgalaan ayay fiiriyaan qabiilka ugu tunka buuran meeshaas ay rabaan inay baroosinka dhigtaan ama dagaan. Waxay kasii xushaan kuwooda sharafta ku dhex leh qabiilkaas, sida ugaasyada, nabaddoonnada, siyaasiga iyo kan xoogaaga lacagta ah leh. Waxay u qoraan ama siiyaan shilimo aad u yar. Waxay ka kiraystaan guryo iyo baabuur aysan u baahnayn si ay dantooda ugaaraan.

Inta ugaaska gurigiisa iyo baabuurkiisa gaaladu kirada ka bixinayso gaalku wuxuu doonuu samaynayaa. Waxaa difaacaya ugaaska iyo nabaddoonka reerka haddii gaalka la taabto.

Mujaahidiintu magaalada Xamar waxay ka dhigeen goob nabadgalyo ah. Dadku waxay fursad u heleen inay is dhex maraan oo kala adeegtaan waqtigay doonaan. Qaabka hub ka-dhigista waxay ahayd dhawr nooc. Shirkadihii waawaynaa sida kuwa xawaaladaha ayagu hubkoodii waxay ugu deeqeen intii badnayd mujaahidiinta markay arkeen in mujaahidiintu yihiin dad la aamini karo hantidoodiina u ilaalinayaan ayay tabarruc ahaan hubkoodii ugu wareejiyeen mujaahidiinta. Jazaahumullaahu khayran.

Qolada labaad waxay ahayd mooryaan dadka dhici jirtay oo aan dan kale hubka u haysan inay dadka ku dhibaan mooyee. Kuwaas birta ayaa laga aslay ama xoog baa looga qaaday hubkii, ayagiina waxaa lagu sameeyay dhaqancelin oo waxaa la geeyay xeryo loogu talo galay in lagu dhaqanceliyo illayn wuxu waa Muslimiin dhaqankii ka xumaaday. Raggaas la dhaqanceliyay waxaa kasoo baxay afraad aad u wanaagsan oo Islaamka wax u tartay.

Qolada saddexaad waxay ahayd qolo ayagu hubkooda hoosta ku haystay oo markii lasoo weeraro isku difaaci jirtay. Kuwaas waxaa la siiyay ikhyaar, kii raba in laga gado waa laga gaday kii raba inuu sadaqaystana waa loo duceeyay. Qaab caynkaas ah ayaa hub ka-dhigistu u dhacday iyo qaabab kale oo farsamaysan. Waxaa hubaysnaa oo kaliya mujaahidiinta.

Taasi waxay keentay in dadkii si dhaqso ah nabad u helo tuuggiina la qabto, noloshii aasaasiga ahaydna soo laabato oo magaaladii yeelato bilic wanaagsan iyo xasillooni.

Caafimaadka

Waxay ku xajiyeen hub ka-dhigistii inay la dagaallamaan wax alla wixii caafimaadka wax u dhimi lahaa sida qaadka, khamriga, daroogada kala gaddisan, dhillaysiga, qashinkii magaalada buux dhaafiyay, daawada dhacday, raashinka dhacay, sixirkii iyo wixi la mida.

Markii nabadgalyo la helay waxaa loo gudbay caafimaadkii oo faraha ka baxay. Intii dawladdii dhexe ay burburtay magaalada Xamar iyo magaala kasta oo waddanka Soomaaliya kamid ah waxay noqotay magaalo aan la garanayn cidda iska leh. Shacabka magaalada ku dhaqan oo ama dagaan ahaan u daggan ama safarka ku imaanaya waxaad mooddaa inaysan aqoon nadaafadda iyo qiimiga ay bulshada u leedahay.

Qofka magaalada guri ka daggan intuu gurigiisa qashinka kasoo saaro ayuu laamiga hortiisa mara ama guriga wajigiisa ku shubayaa markaasaa qashinkii wuxuu noqday buuro waawayn. Looma kala harin carruur iyo cirroolaba, haba ugu darnaadeen kuwa qaadka gada iyo kuwa kawaanlayaasha ah ama maqaaxilayda intaba.

Waxaa kuwaas ka daran oo dadkii halaagay kuwa isku sheega ganacsato. Ganacsatadu waxay u kala baxdaa labo. Qolo waxay keentaa daawo dhacday ama kartoon ay ku qoreen magac daawo oo aan daawaba ku jirin ee balo kale lagu shubay. Waxaa ku jira bur ama caanaboore sida lasoo wariyay. Intay shirkado tuugo ah heshiis la galaan ayay dhahaan noo sameeya wax daawo u eg. Waxay kaloo shirkadaha kasoo aruursadaan daawada dhacday, markaasay qiimo aad u jaban kusoo rartaan illayn daawo ma wataane.

Kuwaas dadkii waxay ku rideen ama u gaysteen labo dhibaato:

  1. Waxaas daawada u eg ama daawada dhacday ah oo ay qiimo saa’id ah ka siiyaan.
  2. Qofkii oo aan daawo qaadan ee qaatay cudur iyo waxyaabo naftiisii khatar u keeni kara.

Dadku waxaad mooddaa inaysan fayoobayn. Qofka daawada dhacday gadaya ama galka daawada lagu shubay caanabooraha waxaa laga yaabaa ama xaqiiq ah markii carruurtiisu xanuunsato ama xaaskiisa wuxuu daawada kasoo gataa farmashiyaha ugu dhaw markaasuu carruurtiisa iyo xaaskiisii siinayaa. Waxaaba laga yaabaa inuu asagu cuno. Ma fayooba!

Waxaa kamid ah kuwo ka ganacsada raashinka dhacay. Waxay xafiisyo ka furteen adduunwaynaha. Waxay u tagaan ganacsatada waawayn oo haya raashin ku baaray. Waxay kasoo qaataan raashinkii dhacay oo ganacsatadii lahayd meel ay gayso waayeen. Raashinku hadduu dhaco ama xumaado waa la gubaa loomana oggola in qof banii-Aadam ah uu cuno. Ganacsatadii lahayd raashinkaan dhacay waxay heleen labo faa’iido:

  1. Waxay ka badbaadeen inay kharash ku bixiyaan raashinkaas gubitaankiisa.
  2. Waxay ka heleen lacag oo waxaa ka gatay ganacsatadii Soomaaliyeed oo waalnayd!

Dadkaas caadaystay dhaqankaas xunka ah oo ku magacaaban ganacsatada waxay isugu jiraan ama yihiin tujaar, jeeble, culumo, siyaasi, aqoonyahan iyo wixi la mida. Haddaad istaagto Bakaaraha arki maysid dukaan uusan kasoo jeedin qof bidhaan wadaad leh. Dukaanka waxaa yaalla waxyaabihii aan kasoo sheekeeyay qayb kamid ah. Bakaaro markaan leeyahay waxaan ula jeedaa Xamar oo dhan ama waddanka intiisa kale. Dadka xalaasha cuna ama ka ganacsada ama og inay dhibaatadu asaga dib ugusoo noqonayso aad bay u yaryihiin waxaase jiraan kuwo aan badnayn oo ah dad yar oo Ilaahay u naxariistay.

Mujaahidiintu waxay olole ku qaadeen caafimaad-darradii ka dhalatay nadaafad xumidii. Waxay u guntadeen soo-celinta caafimaadka iyo bilicdii magaalooyinka. Waxay xakameeyeen oo ka hortageen in magaalada lasoo galiyo oo laga ganacsado raashin dhacay iyo daawo dhacday. Waxay baaritaanno ku sameeyeen bakhaarradii cuntada iyo daawada lagu kaydin jiray. Waxay gubeen waxay heleen oo raashin iyo daawo dhacday ah. Waxay banneeyeen waddooyinkii qashinku xiray. Waxay wacyigaliyeen dadkii. Waxay xumaantii uga hortageen meelihii ay kasoo galaysay sida eeraboorrada iyo dakadaha. Waxay mamnuuceen qaadkii oo ah hooyada xumaanta (ummul khabiith).

Waxay soo qabqabteen sixiroolayaashii dadka bakhtiga cunsiin jiray ama waalida ku riday. Nimankaas dadka sixra waxay kamid yihiin ama ka daran yihiin kuwii dadka ka gadi jiray daawada dhacday iyo raashinka dhacay, maxaa yeelay ummadda waalwaalan oo meel walba daadsan waxaa sabab looga dhigay saddexdaas qolo. Mid sixir ku waalay, mid daawo dhacday ku waalay iyo mid raashin dhacay ku waalay intuba sabab ayay utahay.

Ikhwaanii waxaan aragnaa mujaahidiinta oo haya hawl aad u baaxad wayn oo aysan baahideeda dabooli karin kaligood. Hawshaan ay hayaan mujaahidiintu waa hawshii ay qaban lahayd dawlad dhismaheedii u dhammaystiran yahay. Xagga dhaqaalaha, xagga siyaasadda iyo xagga caskariga intaba. Waxaa intaas u dheer dadka ay u shaqaynayaan oo intaas oo hawl ah ay uhayaan waa dad aan u diyaarsanayn ku-dhaqanka shareecada Islaamka iyo xukun-wanaagga dawlad Islaam ah.

Ayagaa laga sugayaa inay dadka wax baraan oo ka dhaadhiciyaan inay dantoodu ku jirto ku-dhaqanka shareecada Islaamka. Ayagaa laga sugayaa inay gaalada ka xorreeyaan waddanka ay kusoo duushay oo xoogga ku haysato. Ayagaa laga sugayaa inay dadka horumar gaarsiiyaan dhan walba leh inshaa Allaahu. Mujaahidiinta waxaa dhalay ama ay ka dhasheen Soomaalida aan kasoo sheekaynay oo ay haysato intaas oo mushkilad ah.

Bulshada Soomaaliyeed waxaa soo maray xukuumado kala duwan oo kulligood ku shaqaynayay qawaaniinta kufriga iyo ilxaadka. Waligood ma aysan arag dawlad Islaam ah iyo shareeco la isku dhaqayo. Waligood ma aysan arag caddaaladda iyo xukun-wanaagga dawlad Islaam ah. Sidaas darteed waxaa adkaatay ama dabodheeraatay sidii looga dhaadhicin lahaa bulshadaan in shareecada Islaamka lagu dhaqmo.

Musiibada ugu wayn iyo is-hortaagga ku-dhaqanka shareecada Islaamka waxaa lagala kulmay culumadii ayagu noqon lahaa hurmuudka ummadda xagga diinta. Waad ogaydeen lagdankaan soo marnay iyo inta nalasoo khiyaameeyay oo waliba culumadii talada noo haysay ay nagu faleen, Al-Itixaadkii hore iyo Ictisaamka cusub. Culumada Soomaaliyeed waa gartood oo waxay lamid yihiin bulshada Soomaaliyeed oo aan waligood arag xukuumad Islaami ah. Gacan la gooyo, lug la gooyo, dhagax la isku dilo, karbaash ama tacsiir. Intaas oo xukun ah ama xad waligeed Soomaaliya lagama fulin Shabaab ka hor.

Shabaabku lama imaan xuduudda gacan-goynta iyo rajmiga ama wixii lamid ah ee waxaa lagusoo dajiyay oo fuliyay Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam). Waxaa intaas kasii daran waligood Soomaalidu ma maqal murtad ama qof gaaloobay oo Soomaali ah. Shacabku waa gartii laakiin waxaa musiibo ku dhacday culumadii oo u doodaysay murtad Ilaahay iyo Rasuulkiisii ka xariir furtay oo ku gaaloobay diintii asagoo aan cidi qasbin.

Culumadii Ictisaam diintii waxay ka dhigeen: Suufiyadii oran jirtay naagta aanan meherin annagu ma mehersana, dhaxalka aanan qaybin ma qaybsana, maydka aanan talqiin ku akhrin lama duugi karo, colka aanan u ducayn ma duuli karo, ninka aan habaarnaa waa inuu dhintaa, afartan jir ka yar diin ma sheegi karo, lama gaaloobi karo iyo wiixi la mida.

Ikhwaanii waxaan ku jirnaa dagaal dhib badan oo qofkaad dishaa (Soomaali) waa kugu dhimay kaana dhimay. Waxaan ku qasbannahay inaan Ilaahay raalligalinno. Intii Ilaahay noo caroon lahaa dadku ha caroodeen. Hawshaanna waan wadaynaa Inshaa Allaahu.

Waxaa na horyaal hawlo waawayn oo ay kamid tahay dagaallo lagu hoobtay.

Waa inoo qormada dambe inshaa Allaahu tacaalaa.

Qeybta 44aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 44aad. Ikhwaanii waxaan kala tagnay annagoo ballanqaadnay inaan faahfaahinno taariikhdaan dantii aan ka lahaa iyo cidday ku wajahan tahay. Waxaan joognay magaaladii Kismaanyo oo ducaaddii lagu yiri ama mujaahidiintii soo wareejiya gacan ku haynta magaalada maslaxad baa ku jirtee, ducaaddiina ay yiraahdeen yeeli mayno inaan wareejinno magaalada oo annagaa gacanta ku haynayna.

Taariikhdaan waxaan rabaa inaan ku iftiimiyo afar arrimood:

  1. Jihaadkii Soomaaliya ka billawday 1991dii, ciddii billawday iyo marxaladuhuu soo maray.
  2. Meeshuu hadda marayo iyo cidda wadda ama kusoo hartay saaxadii jihaadka.
  3. Dagaalka loogasoo horjeedo mujaahidiinta, cidda kasoo horjeedda iyo goorta uu soo billawday.
  4. Inta dhibaato loo gaystay jihaadka hadda kahor, dhagarta hadda lagu hayo iyo cidda ku haysa.

Waqtigii Jihaadka loo Qalabqaatay iyo Ciddii Wadday

Jihaadkaan waxaa billaabay dad Muslimiin ah ama culumo Soomaaliyeed. Culumadaas manhajkoodu wuxuu ahaa manhajka Salafu Saalix. Waxay ka dabqaadan jireen ama ku dayan jireen Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) iyo saxaabadiisii Alla haka raalli noqdee. Tayaarkaas magaciisa waxaa la dhihi jiray Al-Itixaad Al-Islaami. Waxay lahaayeen taageerayaal badan ama bulsho ku qanacsan dacwada ay wadeen ama jihaadkii.

Jihaadku wuxuu billawday 1991dii. Wuxuu marayaa 2011dii. Wuxuu soo maray marxalado kala gaddisan oo aad u dhib badan, sidaad kusoo aragteen qoraalladaan ayaanu ku ishaarnay waxyaabihii dhacay iyo ciddii ka dambaysay. Ducaaddii jihaadka wadday waxaa ku dhacay haziimo wayn oo xagga maaddiga iyo xagga diinta intaba leh. Waxaa saaxadii kusoo haray ducaad aad u yar. Waa sunno Rabbaani ah in la kala baxo oo Ilaahay kala saaro kan runta sheegaya iyo kan beenaalaha ah, geesiga iyo fulayga, munaafiqa iyo mu’minka, deeqsiga iyo bakhaylka.

Jihaadku wuxuu hadda marayaa meel uusan waligii gaarin, dhanka caskariga, dhanka siyaasadda, dhanka dhaqaalaha iyo dhanka shacbiyadda intaba. Waxaan rajaynayaa inay noqon doonto Soomaaliya meesha caalamku ku dayan doono xagga jihaadka. Waxaa hoggaanka jihaadka haya rag ikhlaas ka muuqdo. Waxay kaloo raggaasi muujiyeen samir iyo dulqaad aysan heli karin culumo badan oo ducaad sheeganaysaa. Waxay leeyihiin tababbarro ku filan ama khibrad caskari.

Ma Qabiilo Khaas ah Ayaa Wada Jihaadka Soomaaliya?

Jihaadka Soomaaliya ma ahan mid ku kooban koox, qabiil, mandiqad iyo waqti toona. Wuxuu u furanyahay Muslimiinta caalamka oo dhan qofkii awooda inuu yimaado, maxaa yeelay waa cibaado Ilaahay dadka Muslimiinta ah ku addoonsaday inay fuliyaan ayagoo waliba nacaya oo aan naftu rabin, khasab ayaad ku gali. Waa cibaadada Rasuulku (sallallaahu calayhi wasallam) uu ku sheegay inay tahay kuruska baarkiisa ama meesha ugu sarraysa diinta oo haddii ayada la waayo diintoo dhan la waayayo. Waqti malahan oo Ilaahay baa sheegay inuu soconayo illaa iyo maalinta qiyaamuhu soo dhawaado.

Dadka Kasoo Horjeeda Jihaadka waa Kuwee?

Waxaa dagaal kula jira shucuubta adduunka ku nool oo dhan marka laga reebo in yar oo Ilaahay u naxariistay mooyee. Gaalo oo dhan baa isu bahaysatay. Waxaa loo adeegsaday Muslimiin qaafiliin ah ama munaafiqiin ah oo isqariya oo dhogor Muslim leh. Waxaa loo adeegsaday dhuuni-qaate magac Muslim wata. Waxaa loo adeegsaday culumadii ama ducaaddii madaxda ka ahayd hoggaanka jihaadka. Looma kala harin jinni iyo insiba inay la dagaallamaan mujaahidiinta.

Goormay Soo Billaabatay Colaadda loo Qabo Jihaadka?

Wuxuu soo billawday dagaalkaan ay gaaladu ama gaalaraacyadu kula jiraan jihaadka xilligii ay diintu soo bidhaantay oo Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) lasoo saaray. Dagaalka waxaa galay oo dhawr jeer lagu dhaawacay Nebi Muxamed oo wata saxaabo aan badnayn. Waxaa la dagaallamayey gaalo isasoo bahaysatay, munaafiqiin Muslimiinta ku dhexjirtay, shayaadiin ama shaydaan oo waad xasuusatan Badar inuu ka qaybgalay shaydaankii isu ekaysiiyay nabaddoonkii la dhihi jiray Suraaqa Ibnu Maalik. Looma kala harin dagaalka.

Nebigii markuu dhintay waxaa meeshiisii kasii socday jihaadkii. Waad xasuusataan Carab iyo Abuu Bakar Alla haka raalli noqdee waxa kala raacay. Waad xasuusataan khatarta la galay haddaan Ilaahay Abuu Bakar ku camayn ama ku xifdin diintiisa. Waad xasuusataan maalinkaas shakiga galay halyeygii Cumar al-Faaruuq Alla haka raalli noqdee.

Markii Abuu Bakar birta ka aslay qoladii tiri zako bixin mayno in Cumar yiri “Abuu Bakarow ma waxaad laynaysaa dad ashahaadanaya?” Xaggee Ina Abyad joogaa?

Laakiin Shiikh Cabdiraxmaan waa ka hoosbaxday ee igama aqoon yara aniga! Alla hana sugo annaga iyo asagaba, waxaan ku aqaannay nin khayr jecel. Wuxuuse ku dhacay god loo qoday oo uusan hoos u fiirin salkiisa iyo waxa ka ratibmaya.

Saxaabadii Alla haka raalli noqdee dhammaantood way guteen waajibaadkoodii. Diintii waxay gaarsiiyeen daafaha adduunka. Waxay ku gaarsiiyeen seef iyo xikmad isla socota. Waxaa wax lala yaabo ah warka Ictisaam iyo kuwa haziimadu ku dhacday. Horta hubkii bay iska dhigeen oo ka fogaadeen, waa dambi ay galeen! Waxay dheheen dacwadaan fidinaynaa oo waxaan gaarsiinaynaa daafaha adduunka sidii saxaabaduba u gaarsiiyeen. Waxay dheheen diintu seef kuma fidin ee waxay ku fidday dalxiis iyo ganacsi. Bal ka dhagaysta Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax arrintaas ha idiin faahfaahiyee.

Dad baa laga yaabaa inay u qaataan waxa aan sheegayo inay dacaayad tahay! Ufiirsada culumada Ictisaam waxay samaynayaan. Adduunka oo dhan ayay kusoo wareegaan saacado yar. Waxay dadka ugu sheekeeyaan dacwaan fidinaynaa. Masaajid ayaga u khaas ah oo ay waddan walba ka samaysteen ayaa lagusoo dhaweeyaa. Wuxuu wataa wadaadku mashruuc asaga u gaar ah oo ganacsi ah iyo mashaariic kale.

Kalimaad ayuu jeediyaa mashruuciisa ku aaddan ama waxtar u leh. Lacag ayuu yaboohiyaa ama dadka waydiiyaa oo qolooyin ayaa heshiis la gala oo ku dhaha lacag noo uruuri waxaan ku siinaynaa barsanteej ama nisbo mucayyan ah oo laga bixinayo lacagtaas la yaboohinayo. Markii ay soo xarootay lacagtii la yaboohiyey ayaa wadaadkii wax yaboohiyey waxaa lacagtii laga siinayaa boqolkiiba-20. Intaas waxaa u dheer tigidkiisa, cuntadiisa, hoteelkiisa iyo khidmadiisa intuu joogo ama hadiyado qaali ah. Dadku waa xishoonayaan oo wadaadka kuma dhiirran karaan laakiin khaladka way arkaan iyo waxa la isdabamarinayo!

Waxay nusuus u raadiyaan inaan diintaani u baahnayn wiil yar oo qori la ordaya ee ay u baahan tahay dagaal la’aan in la fidiyo oo adduunka la gaarsiiyo ayadoon dhiig daadan! Fiicnaan lahaydaa oo dhib yaraan lahaydaa haddii saas la helayo. Laakiin waa mustaxiil arrintaasi horana uma dhicin dibna uma dhici doonto diin aan dhiig ku daadan ayaa muxaadaro iyo dalxiis ku nabadgalaysa ama ku fidaysa!

Ictisaam waxba yeysan diin nabadgalin ayagu ha nabadgalaan! Maalin walba yaan mooryaantu suuqa ku jiidin oo xabsiyada laga buuxin culumadooda iyo ardaydoodii jihaad-diidka ahaa. Diin yaysan difaacin ee ayagu ha is difaacaan. Dadka akhlaaq ha u muujiyeen lagu aamino. Maalin walba waxaa lagu dhaggan yahay wadaad Ictisaam ah oo la leeyahay wuxuu lunsaday malaayiin doollar oo uu dadka kasoo uruuriyay oo uu yiri waan idiinku shaqaynayaa. Sow ma xasuusataan Fulaan iyo Fulaan iyo Fulaan oo lunsaday malaayiin hanti ah? Shirkad hebla aaway? Tii kale aaway? Aaway hagbaddii haweenka? Aaway lacagihii magaca agoomaha iyo mujaahidiinta lagu aruurin jiray?

Kuwo cusub ayaa hadda soo baxay oo la yiraahdo Bushra iyo Islii Mool magacyo saas ah oo ay leeyihiin culumada ugu waawayn Ictisaam. Bannaankay wareegayaan oo habrihii Soomaaliyeed ee qoxootiga ku ahaa gaalada dhexdeeda ayay kasoo uruursadaan xoogow hagbad ah ama ayuuto oo ay is dheheen ilmihiinna wax ugu qabsada. Waxaa isku xiran oo wada ganacsada saddex qolo:

  1. Ragga ganacsiga wada oo mashaariicda gacanta ku haya
  2. Ragga masaajidda gacanta ku haya oo aan laga baddali karin waligood
  3. Qolada tiifiiga oo ayagu qayb libaax ka qaata xayeysiiska ganacsiga wadaaddada. Qolooyinka tiifiigu ayagu waxay helaan dhaqaale aan caadi ahayn oo habeen kasta waxaa usoo xaroota lacag xad dhaaf ah. Waxay ku liibaaneen wadaaddada oo hadda haya hawshii wariyuhu qaban jiray. U fiirsada meeshii wariyuhu fariisan lahaa waxaa fadhiya wadaad Ictisaam ah wariyihiina wuxuu ku jiraa nasiino iyo kafee cabid.

U fiirsada wadaaddadii waxay noqdeen aalad ganacsiga lagu xayeysiisto. Meel ayaa laga furayaa dukaan lagu gado biitsada. Waxaa tiifiiga ka sheegaya oo xayeysiinaya wadaad Ictisaam ah. Meel ayaa laga furayaa dukaan lagu gado waxyaabaha la isku qurxiyo, waxaa tiifiiga ka sheegaya wadaad Ictisaam ah. Meel ayaa laga furayaa dukaan tigidhada gada, waxaa tiifiiga ka sheegaya wadaad Ictisaam ah. Ganacsiga Yurub iyo Ameerika waxaa lagu xayeysiin jiray gabdho. Gabdhihii hadda waa nasteen oo rag ayaa baddalay ayagii ka nafci badan kana aftahansan meel dhawna dadkii wax ka tusaya.

Fiiro Gaar ah: Shir ayaa lagu qabtay magaalada Landan muddo laga joogo wax sanad ka yar. Shirkaas waxaa soo qabanqaabiyay wadaadka lagu magacaabo Shiikh Muxamed Idriis. Shirku wuxuu u dhexeeyay laba qoloo muuqata iyo qolo qarsoon oo ayaga loo shaqaynayay ama nuxurka shirka lagu raalligalinayay, waxayna kala ahaayeen:

  1. Ictisaam oo huwan magaca midowga masaajidda Ingiriiska.
  2. Telefishinka Yunifersal (Universal TV) oo huwan magaca warbaahinta Soomaaliga ku hadasho.
  3. Sirdoonka Ingiriiska Em.Ay.Fayf (MI-5) iyo kan Maraykanka Sii.Ay.Ee (CIA).

Shirkaan saddexda qolaba waxay isku waafaqsanaayeen in lagu cunaqabateeyo oo looga hortago dhaqaale ay ku uruursadaan culumada mujaahidiinta Soomaaliyeed oo aan la aqoon qaabka ay u shaqeeyaan iyo meeshay dhaqaalaha ka helaan intaba. Saddexda qolo, qola walba waxaa ugu jiray heshiiskaan dano ayaga u gooni ah, khaasatan waxaa faa’iido badan ku gaaray tiifiiga iyo Ictisaam oo dhaqaale badan ku aruursada ganacsigoodana ku xayeysiista.

Xogwarran Dhab ah: Rumayso Waa Rune

Muddo yar kahor waxaan ahaa wadaad Ictisaam ah. Waxaan la shiri jiray raggayga, waxaan la sheekaysan jiray raggayga, sirta la igama qarsan jirin oo waxaan ahaa xubin ka tirsan ururka. Sheegi maayo wax badan oo aan ogahay oo haddaan sheego aad loo qariibsanayo ama aan la iga rumaysanayn. Waxaan rabaa inaan idin xasuusiyo oo kaliya hadallo aan ku doodnay culumada Ictisaam rag kamid ah iyo shakiga ay ka qabaan mujaahidiinta intuu le’egyahay iyo siduu u gurracan yahay ama u foolxun yahay.

Waxaan doodnay wadaad hebel oo haddaan sheego magiciisa aad wada garan doontaan. Waxaan doodnay mid kale oo asagii ka macruufsan ama dacwada uga horreeyay. Waxaan la sheekaystay ducaadda iyo ardayda Ictisaam ee mujaahihiinta kasoo horjeeda ama jihaad-diidka ah. Ayagu waa weerar anna waxaan ahay difaac. Hadalladoodii ay mujaahidiinta ku durayeen waxaa kamid ahaa takfiir, Khawaarij, shisheeye, sufaho, mooryaan iyo wixi la mida. Intaas oo dhan lama yaabin oo waa warkii odayaasha Ictisaam nagu akhriyeen. Waxaan la yaabay oo ii cuntami waayay in la igula doodo Shabaabku waxay u shaqeeyaan Maraykanka iyo Yuhuud. Waxaa ii cuntami wayday in la igula doodo, “Yaa wax siiya? Xaggee bay ka helaan dhaqaalaha haddaan Maraykan wax siin?” Waxaan la yaabay markii la igula dooday, “Haddaysan Maraykan u shaqaynayn muu baabbi’iyo muxuu u fiirsanayaa waa kuwaan meel walba qabsanayee?”

Ereyadaas doqonnimadu ka muuqato iyo xasadku aniga wax bay ii tareen. Waxaan ku baraarugay dadka aan dhexjoogo iyo siday u fakarayaan. Waxaan fiiriyay meesha gaalo iyo Muslim isla marayaan iyo waxa daafaha adduunka ka dhacaya. Waxaan ku baraarugay musiibada ku habsatay tayaarkii aan ka tirsanaa oo aan kusoo dhex barbaaray oo ay kamid yihiin macalimiintaydii iyo ardaydii aan isku looxa ahayn. Dib ayaan u faagay duruustii aan qaadan jirnay. Waxaan arkay kitaabkii oo waddada toosan qaaday iyo anoo wadda kale oo qalloocan qaaday, waddadii Murji’ada iyo Suufiyada.

Diintaan ama jihaadkaani wuxuu soo maray xilli Islaamku dunida ka talinayay sanado fara badan. Diyaarado la raaco, mashaariic khayri ah, muxaadaraad iyo dalxiis laguma keenin. Rag baa usoo dhammaaday oo naftoodii iyo maalkoodii u huray.

Rasuulku waxa uu tilmaamay boqolkii sanaba mar in Ilaahay diintaan mid cusboonaysiiya usoo saarayo. Marka laga yimaado saxaabadii iyo jiilkii ku xigay, waxaa kamid ahaa raggaas diinta tadxiyada usoo sameeyay ama naftoodii u huray:

  1. Imaam Axmed Binu Xanbal
  2. Shaykhul Islaam Ibnu Taymiyah
  3. Imaam Muxamed Cabdiwahaab

Maxaa diidaya haddaan niraahno Imaam Usaamah Binu Laadin? Ma rabo inaan meel fog idiin celiyo oo waad ogtihiin taariikhda Islaamku soo maray ama dacwadu. Waxaan rabaa inaan idin xasuusiyo dhacdadaan hadda aan gacanta ku hayno oo ku saabsan jihaadka Soomaaliya iyo marxaladuhuu soo maray.

Ikhwaanii waxaan wax kasoo tilmaamay dhibaatadii ama luggooyadii loo gaystay mujaahidiintii Soomaaliyeed ama jihaadkii Soomaaliya. Waxaan joognaa xilligii aan ogaan lahayn: Yaa xaq wada yaase baadil wada? Yaa jihaadku run ka yahay yaase khayaamo iyo been ku dhex wada? Yaa jihaadkii ku faa’iiday oo meel fiican gaarsiiyay bulshadiina u daneeyay oo daalimiintii ka qabtay, yaase khasaaray oo saaxadii ka baxay Muslimiintana garabkoodii ka baxay gaalna isu dhiibay? Odayaasha Ictisaam aad ayey u jeclaayeen dhalinyarada iyo hawshay hayeen sidii hadda noo muuqatay. Wax baase qarsoonaa Ilaahay kashifay.

Goormay Billaabatay Dacaayadda iyo Dagaalka aan ka-Fiirsiga Lahayn?

Dagaalkaan iyo dacaayaddaan aan kala go’a lahayn oo ay wadaan culumada iyo ardayda Al-Ictisaam waxay billaabatay maalinkii ducaaddu ama mujaahidiintu ay la bexeen magaca Shabaabul Mujaahidiin. Shabaabku ma baddalin manhajkoodii, mana baddalin akhlaaqdoodii, mana baddalin himilladoodii jihaadiga ahayd. Waxay baddaleen oo kaliya siyaasaddii ama qaabdhaqankii jihaadka.

Maxaa kallifay arrinkaas? Waxaa kallifay dhibaataday kala kulmeen maamulkii Al-Itixaad iyo Ictisaam iyo khiyaamooyinkii loo gaystay jihaadka iyo ehelkiisii. Mujaahidiintu waxay sameeyeen baaritaanno qota dheer iyo samir ay ku ogaadaan waxa khaldan iyo meesha khaladku ka imaanayo. Xalkiina wuxuu noqday in la baddalo siyaasaddii jihaadku ku socday ama waddadii ama hoggaankii taad dhahdaba.

Maxaa Laga Faa’iday Siyaasaddii la Baddalay?

Waxaa laga faa’iiday in laga adkaaday jawaasiistii, in la helay nabadgalyo, inuu bannaanka usoo baxay manhajka khaldan ee Ictisaam. Waxaa laga faa’iiday in la helay dawlad Islaam ah oo fulinaysa shareecadii Islaamka oo haysata Soomaaliya inteedii badnayd.

Culumada Maxaad ugu Diiddeen inay Yimaadaan Saaxada Jihaadka?

Looma diidin, bal waan ugu yeeraynaa inay noo yimaadaan oo ay hoggaamiyaan jihaadka. Waxaan maqalnay ama culumadu yiraahdeen, “Haddaan saaxada tagno waa nala dilayaa!” Subxaanallaah! Haadaa buhtaanun cadiim! Ma aanan oran waana been cad.

Ikhwaanii ma illaawin inaan xuso waxqabadkii iyo dagaalladay galeen Shabaabku.

Waa inoo qormada dambe inshaa Allaahu.

Qeybta 43aad

Ikhwaanii waxaan kala tagnay ayadoo lagu jiro shir. Shirku wuxuu ku saabsanaa magaalada Kismaanyo in gacanta loo galiyo mooryaantii magaalada laga qabsaday ehelladoodii ama duqowdoodii. Waxaa qabiilka ergo ka ah oo gogosha dhigay ururkii Al-Ictisaam culumadoodii. Culumada warkoodu wuxuu leeyahay saddex waji:

  1. Maamul wanaag iyo maslaxatu-dacwa.
  2. Qabiil iyo masaalixu-dacwa (tanaasul)
  3. Siyaasad qarsoon oo gaalo loogu adeegayo ama hala ogaado ama yaan la ogaan.

Aan in yar dib u noqonno. Dagaalku wuxuu ka billawday magaalada Xamar. Wuxuu marayaa Kismaanyo. Dhanka waqooyi wuxuu gaaray dagaalku illaa iyo Baladweyne. Dhankaan qorrax u dhaca wuxuu kusii dhawyahay dagaalku Baydhabo. Waddanka intaas baaxad le’eg ducaaddu kama taliyaan hal magaalo marka laga reebo Kismaanyo oo aan hadda dhextaagannahay oo la isku haysto oo la leeyahay dhiiba iyo dhiibi mayno.

Waxay horay usoo dhiibeen dhawr iyo tobankii dagmo ee Xamar. Waxay dhiibeen laga billaabo Balcad illaa Baladweyne. Waxay dhiibeen laga billaabo Afgooye illaa Buurhakaba. Waxay dhiibeen laga billaabo Shalaanbood illaa Jilib. Libaax daalay dirirtiisaa loo tagaa. Waxay marayaan baddii Kismaanyo ama xuduudbeenaadkii Keenya. Maxaa haray oo ay xukumi doonaan? Mise ayaga xukunka waa laga ilaalinayaa?

Inta magaalo aan soo marnay oo laga xorreeyay mooryaantii ama murtaddiintii waxay dib ugu laabatay magaalo walbaa gumaysigii laga saaray shalay. Waxaa qabsaday balaayo ka daran kuwii laga qaaday. Waxaas oo mu’aamaraad ah waxa maleegayaa waa Ictisaam. Doqontaan afka guduudan (Shariif) waxba ma oga. Waxaa macallim u ah rag birta calashaday oo yaqaan dawlad Islaami ah oo dhisan sida loo kala diro.

Ikhwaanii Kismaanyo in lagusoo duulo oo la qabsado la iskuma waafaqsanayn. Waxaa diiddanaa dhammaan odayaashii Ictisaam. Waxaa diiddanaa ducaaddii gobolka u dhalatay intii Ilaahay u naxariistay mooyee. Waxaa diiddanaa rag badan oo mujaahidiin ah oo ay haysay qaflatu-saalixiin ama wadaad war-mooge ah. Waxaa go’aanka lahaa lagu weeraray Kismaanyo ducaaddii jihaad-doonka ahayd oo kaliya.

Go’aankooda ma ahayn mid degdeg ah. Waxaa ka horreeyay shirar aan loo kala kicin. Waxaa ka horreeyay takhdiid iyo maxay kula tahay. Waxay ducaaddu tashi ku gaareen inay ku dhawaaqaan maamul ayaga u gooni ah intaysan Kismaanyo qabsan.

Waxay isku raaceen wixii hadda ka dambeeya meeshay qabsadaan inay maamulkeeda ayagu hayaan dadkana u khidmeeyaan duullaankana sii wadaan intay Alaska ka gaarayaan ama ay ka shahiidayaan.

Duullaanka Kismaanyo waxaa soo dadajiyay akhbaar ay soo gudbiyeen wardoonkii mujaahidiinta. Wardoonku waxay ogaadeen gaaladu inay duullaan kusoo tahay magaalada Kismaanyo oo istaraatiiji ah. Waxay gaalo iyo jawaasiistii u shaqaynaysay go’aan ku gaartay in mujaahidiinta laga ilaaliyo meelaha badda leh inay qabsadaan ama xoog ku yeeshaan sida Kismaanyo, Xamar, Marka iyo meelaha kale ee badda leh.

Dagaalka ay wadeen ducaaddu wuxuu ahaa mid ku wajahan Soomaaliya gudaheeda. Dadka jihaadka waday ama laga amarqaadanayay waxay ahaayeen Soomaali. Culumada marjica u ahayd camalkaas waxay ahaayeen Soomaali. Shirkaas ducaaddu gashay laga billaabo waxaa laga dhigay jihaadku inuu yahay mid caalami ah. Waxaa loo bandhigay culumada caalamka oo dhan ama Islaamka. Waxaa loo bandhigay ciddii imaanaysa ama jihaad-doon ah inay kusoo dhawaato gacmo furan. Gaalaba is bahaysataye maxaa noo diiday inaan is bahaysanno?

Waxay go’aansadeen mar haddii culumadii Soomaaliya ay jihaadkii diideen oo wanaaggii mujaahidiintu gaaraanba ay burburinayaan, dhaqaalihiina ay ka goosteen, jihaadka laftiisiina ay shubho ku fureen oo mujaahidiintii safka ku jirayna ay khalkhal ku abuureen, walaaluhu  waxay taladoodii u bandhigteen caalamul Islaam inay la midoobaan xag ciidan iyo xag dhaqaala intaba.

Wixii diin ah oo ishkaal ka galo inay fatwo waydiiyaan culumada Rabbaaniyiinta ah ee camalkaan ku takhasustay. Hadday dhaqaale u baahdaan inay waydiistaan walaalahooda Muslimiinta ah ee jecel inay camalkaan ku bixiyaan dhaqaalahooda. Hadday ciidan u baahdaan inay u qayshadaan ama gargaar warsadaan caam ahaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan.

Waxaan shaki ku jirin wadaadka qaba in Soomaaliya Soomaalida loo daayo (culumada) inuu yahay laba midkood:

  1. Ahbal dhaga waawayn oo hurguma dila ah (kuwa naagaha jecel)
  2. Inuu yahay jaasuus nalagu dhex koriyay oo dhogor Islaam leh

Maxaa yeelay Islaamka waxaa lagu fahmaa ama uu kusoo dagay luuqadda Carabiga. Haddii laga ilaaliyo dacwada Soomaaliya ka socota ducaadda ku hadasha afka Carabiga see loo fahmayaa diintii iyo axkaamteedii? Ictisaamku waxay Shabaabka ku haystaan waxaad culumo ka dhigateen culumo aan Soomaali ahayn. Waxay ula jeedaan culumadaas culumada Carbeed ama caam ahaan Muslimiinta kuwooda Rabbaaniyiinta ah laakiin aan Soomaali ahayn. Islaamku ma Soomaali baa mise waa qofkii Alle u hoggaansamay?

Maya. Habar dhali wayday aleelo ku waalatay. Hashii maqaarka diidaysaa meelo daloolay ka fiirisaa. Arrintaan Ictisaamku markay ka hadlayaan waxay huwiyaan shaar diineed. Dhawr shaar ayay u xiraan markay juhalada la hadlayaan ama shubhadooda, waxaana kamid ah shaararka kuwaan: Shaarka koowaad waxaa lagu xardhaa erayga ah “Waxaa qawm walba loo diraa nin afkooda ku hadlaya (walaalkood).” Shaarka labaad waxaa lagu xardhay kalimadda ah “Reer Maka ayagaa yaqaan buurahooda iyo waxa ku dhexjira. Ahlu Maka adraa bi shacaabihaa.” Waxay ula jeedaan ereyadaas oo dhan marka lasoo uruuriyo nimanka Carbeed Soomaaliya waxa ka dhacaya waxba kama oga. Adigu waxaad tahay Soomaali, waxaad ku jirtaa gurigaaga, waxaa lagaa kari la’yahay kaalay imow goobta jihaadka oo fiiri waxa ka dhacaya. Waa diidday oo marna diyaarad baad saaran tahay marna hoteel baad ku raaxaysanaysaa marna aroos baad ku jirtaa oo hablo yar yar baad hadba mid ka dooranaysaa (tacaddudu-zawjaad). Adiga iyo ninka Carbeed waa u siman tihiin xog la’aanta ka jirta Soomaaliya iyo waxa ka dhacaya goobta jihaadka. Maxaa adigana ku siiyay fursadda aad wax walba kaga jawaabayso wadaadka Carbeedna u diiday inuu ka jawaabo haddii mas’alo diini ah la waydiiyay oo waliba asagu yahay nin diinta ku fahmay luuqadday kusoo dagtay diintu oo Carabi ahayd? Asagiina waa Carab.

Dulmiga intaas ka wayn wuxuu yahay, waxaad tahay nin Cajami ah oo aan luuqadda Carabiga lagu habin ama lagu korin. Waxaad soo baratay xoogow aad xalaasha iyo xaraamta ku kala garato haddaad xaq-doon tahay. Mucalimkii ku baray ereyadaan tirsan ayaad ku leedahay ha dhagaysanina warkiisa. Waxaad leedahay ma uusan fahmin diinta iyo axkaamul jihaad ee anaa garanaya. Waxaad leedahay mucalimka Carabiga i baray anaa ka badiya Carabiga adoo ah nin Cajami ah. Soomaali cunsuri ah!

Cabdiraxmaan Abyad muxuu ku fahmay diinta uu ku difaacayo culumada Ictisaam? Ma leeyahay asagu culumo Carbeed oo uu diinta kasoo bartay si toos ah? Ma laga yaabaa inuu ku dhashay waddammada Carabta oo uu sidaas Carabiga ku bartay? Maya, shiikhu wuxuu ku dhashay Soomaaliya, dhul Carbeedna kuma barbaarin.

Ma tagay carro Carbeed oo Carabi makasoo bartay ama culuum kale? Maya, waxaa mucalim u ahaa arday Soomaali ah oo Carabta wax kasoo baratay. Muxuu ka rabaa culumada Carbeed oo mucalimiintiisa wax soo bartay? Culumadiisuu ka qaatay darsigaas xushmadarrada ah!

Musiibada intaas ka wayn waa midda haysata Ina Abyad. Abyad wuxuu ku dhashay meel Ilaahay iyo Rasuulkiisii (sallallaahu calayhi wasallam) lagu caayo har iyo habeenba. Maalin qur ah intuu Ilaahay dartii u xanaaqay qori ma qaadan oo ma dagaallamin. Wuxuu waa hore (1992) kasoo horjeeday kuwii inta Alle dartii u xanaaqay dagaalkana la galay mooryaantii Ilaahay iyo Rasuulkiisii (sallallaahu calayhi wasallam) dhibayay oo caayi jiray har iyo habeenba.

Shiikh Abyad inta uu ka tagay dhulkuu ku dhashay oo ay dagganaayeen dad Ilaahay iyo Rasuulkiisa dhibay, in Ilaahay u naxariistay mooyee ayuu wuxuu tagay ama la darsay oo hadda daggan yahay kuwo gaalo ah oo waagii baryaba Ilaahay iyo Rasuulkiisii caayaya. Hal maalinna intuu xanaaqay ma uusan dagaallamin mana difaacin Alle iyo Rasuulkiisii. Waddankee shiikhu joogaa? Wuxuu joogaa Denmaak. Oo kuwaasi waaba gaalee maxaa ka dhexeeya oo uu ula dagaallami waayay? Baasaboorkii ayuusan wali qaadan. Oo miyaan loo akhrin wadaadka kutubta al-Walaa wal-Baraa oo culumada iyo qabyaaladda  ama gaalada iyo Muslimiinta kala saarta? Kutubtaas hadda lama akhristo oo waa la qariyay! Maxaa dhacay waaba kutub fiicane oo loo qariyay? Culumadu  (Ictisaam) waxay dheheen dhalinyarada yaan loo akhrin kutubtaas maxaa yeelay waxay ku dhacayaan takfiir. Oo see ugu dhacayaan takfiir? Waxay dheheen kutubtu waa kutub fiican oo caqiido ah qofkuna uusan Islaamka fahmayn illaa uu kutubtaas akhristo.

Haddana in la qariyo waxaa ku jirta maslaxatu-dacwa oo dhalinyaradu hadday si dhab ah u fahmaan caqiidadii Shiikh Muxamed Cabdiwahaab, qabyaalad iyo murtaddiin iska daaye annagay na takfiirinayaan (culumada Ictisaam). Marka intay yaryar yihiin oo ay ka gaarayaan sano lixdan halaga qariyo ayaan ku heshiinnay! Lixdan jir muxuu qaban karaa? Ma naqaan waxay na dheheen maslaxaddaa ku jirta ee dan kale lagama lahayn!  Dhalinyaradu  intay takfiir noqon lahaayeen sidaanaa dani ugu jirtaa.

Takfiirna maxaa la yiraahdaa? Takfiir waxaa la yiraahdaa qofka Islaamka ah oo gaalnimo ku dhaca ama sameeya wuxuu ku gaaloobayo oo la yiraahdo waad gaalowday ama waxaad ku dhacday gaalnimo. See loo gaaloobaa, Soomaaliduse ma gaaloobi kartaa? Haa, qofku qabiilkuu doono ha ahaado asagoo Muslim ah ayuu gaalnimo ku dhici karaa ciyaadan billaahi. Waxaana gaalnimada soo jiida saddex arrimood:

  1. Inaad afka kaga dhawaaqdo gaalnimada.
  2. Inaad qalbiga gashato inaad gaal tahay afkaba hakaga dhawaaqine.
  3. Inaad jawaarixda (gacmaha iyo lugaha) ka samayso wax lagu gaaloobo adoon cudurdaar lahayn intaba waa lagu gaaloobaa!

Carrabka iyo qalbiga gartay, lugaha iyo gacmuhu maxay galabsadeen? Haddaad gaalo Muslimiinta kusoo duushay soo raacdo oo Muslimiintii wax ka layso waad gaaloobaysaa adoo Muslim Soomaali ah. Waa yaab saas ma moodi jirin culumaduna sidaas wax nooguma sheegin. Waxay na dheheen culumadu qofkii gaalnimada qalbiga ka rumeeya ayaa gaaloobaya oo kaliya.

Waxay kaloo na dheheen qofka Muslimka ah gaalnima kasta oo uu ku dhaco gaaloobi maayo mar hadduusan gaalnimada galbiga ka rumayn! Arrintaasu ma sax baa? Maya, waa khalad arrintaasi, waxaana qaba arrinkaas nimanka la yiraahdo Murji’o. Murji’adu waxay qabtaa qofkii yiraahda Laa ilaaha illa-llaahu Muxamadu rasuulullaahi in uu leeyahay iimaanka Malakul Jibriil oo kale waligiisna uusan gaaloobayn.

Salafkii waxay qabeen in qofka Muslimka ah Islaamku ka burayo sida waysaduba uga burto ama ha ogaado ama yuusan ogaanin. Ictisaamku soo Salafu Saalix ma ahan illayn ayagaa noo sheegay arrintaan ah inuusan qofku gaaloobayn hadduusan xalaalsan gaalnimada? Hadda ka hor way ahaan jireen Salafu Saalix laakiin intay qaateen magaca Ictisaam waxay qaateen manhajka Salafiya Jadiidiya oo way baddaleen Salafu Saalix manhajkiisii toosnaa. Waxay u dhawyihiin kii Murji’ada.

Akhristayaalow raalli iga ahaada, su’aalo ayaan ka jabaabayey. Aan kusoo noqonno Kismaanyo.

Ikhwaanii shirkii Kismaanyo waa lasoo gabagabeeyay. Shirku wuxuu ku saabsanaa gogol loo dhigtay Shabaab oo la yiri magaalada soo wareejiya. Wuxuu shirku dabasocday ama codsigu kuwii hore oo markay Shabaabku magaalo qabsadaan la oran jiray soo wareejiya magaalada maamulkeeda.

Shabaab waxay ku jawaabeen maya diidnay inaan magaalada wareejinno! Waa markii koowaad oo ducaaddu ama Shabaabku ay culumada ku yiraahdaan diidnay! Walaalayaal waxaan soo marnay goobo badan oo ducaadda lagu yiri soo wareejiya waxaad haysaan oo maamul ah. Waxaa lagu yiri marar badan dhiga hubkaad haysaan. Waxaa lagu yiri nin walbaa ha aado qabiilkuu ka dhashay. Waxaa lagu yiri arrintaan dacwada maslaxo uguma jirto ee ka fogaada. Waxaa lagu yiri reer hebel jihaadkoodu ma bannaana.

Intaasoo dhacdo iyo kuwo aanan ka sheekayn karin oo farabadan ayay aqbali jireen oo ay dhihi jireen samicnaa wa adacnaa. Mar walbana waxay ahaayeen ducaad wanaagsan oo culumadooda waxay sameeya yiraahdaan sameeya. Culumadu raggaas waxay u taqaannay mujaahidiin, ducaad wadda fiican ku socota, jiil wanaagsan iyo wax la mida. Maalinkaas ay Kismaanyo ku yiraahdeen bixin mayno magaalada oo annagaa maamulayna ayay noqdeen Khawaarij, takfiir, sufaho, ajnabi, qar-iska-tuur, culumo-diid, maangab iyo wixi la mida.

Soo uma eka dhacdadii ku dhacday Cabdullaahi Ibnu Salaam Alla haka raalli noqdee. Markuu soo islaamay ayuu Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) uyimid. Wuxuu yiri “Rasuulkii Allow waan soo islaamay.” Rasuulku wuu soo dhaweeyay. Cabdullaahi wuxuu yiri “Rasuulkii Allow intaysan Yahuuddu maqal islaamnimadayda u yeer kuwooda wax garanaya oo waydii sidaan dhexdooda ku ahay? Nimanku waa xaasid oo ma taqaanid anigaa kaa aqaan oo waa niman aan khayr cidna u oggolayn.” Waa loo yeeray. Cabdullaahina wuxuu galay ama ku dhuuntay Nebiga gadaashiisa. Wuxuu waydiiyay su’aal ah: “Ka warrama Cabdullaahi Ibnu Salaam?” Waxay dheheen, “Waa ninka noogu khayr badan. Aabbihiisna wuxuu ahaa ninka noogu khayr badan. Reerkooda oo dhanna waa reer khayrqabayaal ah.” Wuxuu yiri Nebigu “Ka warrama hadduu islaamo?” Waxay dheheen “Nacuudu billaahi. Allaan ka magan galnay.”

Intuu soo baxay Cabdullaahi ayuu ashahaatay oo wuxuu yiri, “Maanta laga billaabo waxaan qaatay diinta Islaamka.” Waxay dheheen ayagoo meeshii fadhiya: “Waxaad tahay kan noogu khayr daran. Aabbahaana wuxuu ahaa kii noogu xumaa. Reerkiinna oo dhanna khayr ma lihidin.” Hadal sidaas oo kale ah.

Ictisaam ayagoo meeshii fadhiya ayay afka qaylo ku dhifteen oo kor ugu qayliyeen: “Hayaay! Hayaay! Hayaay! War saaxadii Soomaaliya waxaa qabsaday takfiir iyo Khawaarij. Waxaa nagu habsaday shisheeye, culumadii baa la caayayaa, dadkaa jeegada laga gawracayaa!” Waxay sheegayaan oo xumaan ah saacado kahor majirin! Ictisaam iyo Shabaab waa iska warqabaan waxa ka dhexeeya oo waa awliyadii habaynkii is arki jirtay. Waxaa meesha ku luggo’ay diintoodiina shaki ka galay ducaaddii diciifka ahayd xagga diinta iyo xagga caqliga intaba, qabiilkuna ku jiray.

Tusaale: Waxaad arkaysaa wadaad maalin mujaahidiinta la socda, maalin Ictisaam la socda, maalinna labadaba ka dhex baxaya oo leh waa na wareeriyeen ee xaggee aadnaa? Cidi kuma wareerin ee adaa wareersan! Waxaa kaa khaldan miisaanka aad wadato oo hadba qolo saarayso. Shabaab ha raacin Ictisaamna ha raacin! Waxaad raacdaa xaqa! Markaad xaqa raacdo asagaa ku tusi cidda toosan iyo cidda khaldan.

Culumada Ictisaam iyo mujaahidiinta midna ha raalligalin ee Ilaahaygii ku abuurtay raalligali. U dagaallan oo u xanaaq Allihii ku abuurtay ee ha u dagaallamin wadaad asaga la abuuray oo aan meel ku sugnaanayn ama khaldami kara oo bashar ah. Raac kitaabka iyo sunnada ee ha raacin manhajka muxdithka ah ee gaalada loogu adeegayo. Intaas oo dhan haddaad diiddo, diintu ma khaldanee adaa khaldan. Ha diidin daliilka diinta sidii duqowdii horeeto (Suufiyo) iyo kuwa dambe (Ictisaam).

Magaalada Kismaanyo waa magaalo sidee ah? Magaaladu waa magalada ugu khayraadka badan waddanka Soomaaliya oo dhan. Sababtuna waxay tahay, waxay kulansatay waxyaabaha banii-Aadamku ka faa’iidaysto oo dhan, sida badda, wabiga, dhulbeereedka, xoolaha nool iyo macdanta intaba. Waxaad la socotaan inay Keenya boob ku hayso shidaalka ka buuxa dhulka Kismaanyo iyo badaheeda ceegaaga. Magaalada Kismaanyo qofkii yaqaan kama xiisadhigayo sheekadeeda iyo xusuusteeda intaba. Aan wax yar ka tilmaamo.

Kismaanyo meel u jirta qiyaastii 40 kiilomitir oo ka xigta dhanka waqooyi waxaa mara dhul baraha. Waa tuulada lagu magacaabo Saguuni. Isla dhanka waqooyi waxaa ku yaal ama mara wabiga Jubba oo wuxuu badda kaga daraa meel Kismaanyo u jirta dhawr iyo toban kiilomitir. Meeshay isaga daraan badda iyo wabigu waxaa ku yaal tuulada la yiraahdo Goobwayn. Goobwayn wabigaa dhex mara.

Waxaa ku yaalla meelo dhismayaal qadiimi ah oo Ingiriisku fadhin jiray oo qalcado ku lahaan jiray muddo boqolaal sano ka hor ah. Waxaa la yiraahdaa Sabca Asharaaf meesha dhismuhu kuyaal oo Goobwayn waxay ka xigtaa dhanka bariga ama qorrax kasoo baxa. Waa dhul haddaad ku dhex lugayso aadan ka daalayn aragtidiisa. Aad buu u qurxanyahay oo waa meel loo dalxiis tago.

Waa dhul aad u sarreeya oo markaad korkiisa istaagto waxaa kuu muuqanaya baddii oo aad u xasilloon. Waxaa kuu muuqanaya wabigii oo aan badda ka yarayn waynankiisa. Waxaa kuu muuqanaya beerihii oo aad u cagaaran. Waxaa kuu muuqanaya xoolihii noolaa oo dhul burun-burcood ah daaqaya oo markaad suunta kasoo baxaysa ama caraftooda aad sanka la raacayso oo aad moodayso inaad ku dhex jirto dukaammada cadarrada gada. Alla yaa u sheega Soomaalida ku baabba’day qurbaha?

Waxaa intaas kuu dheer shimbiraha codkooda kala noocnooca ah oo Ilaahay caabudaya. Wallaahi waan tagay meeshaas aan ka sheekaynayo igamana ahan mala awaal iyo been abuur toona. Waxaan ku arkay dhismayaal aad qadiim u ah. Waxaa la ii sheegay inay ahaan jirtay meel xarun wayn ay ku taallo oo dhulkaan oo dhan looga talin jiray (Ingiriis).

Kismaanyo dhankeeda waqooyi oo aan hadda ka ishaaray wabiga iyo Sanguuni oo dhul baruhu maro, waxaa intaas u dheer kulli waa dhul-beereed. Waa dhulkii Soomaali oo dhan ay ku lahayd aseendooyinka iyo beeraha waawayn. Dhulkaasi ama beerahaasi waxay gaaraan illaa iyo Gedo ama Jubbooyinka oo dhan. Kismaanyo dhanka koonfureed waxaa ka xiga badda. Waxay leedahay dakad wayn oo markiiba ay kusoo xiran karto dhawr markab. Waxay leedahay haamo waawayn oo lagu kaydiyo shidaalka ama kayd shidaal. Magaalada ciiddeedu waa ciid aad u nadiif ah ama ciid cad, wasakh maleh.

Waxaa dhex daaqa ama kusoo xerooda magaalada dhexdeeda xoolaha nool sida geela, ariga iyo lo’da. Waxaan garanayaa geelu suu dhirta u daaqayo markuu kululaado inta badda tago kusoo qabaysta ama isku qaboojiya. Dad baan ka maqlay geelaasi kalluunkuu cunaa. Geela waxaa lahaan jiray nin la yiraahdo Cabeede oo Shiikhaal ah. Geelaas wax ka caano badan malahan ayaa la igu yiri anigu ma lisin waa sidii la ii sheegay.

Magaalada dhanka qorrax u dhaca waxaa ka xiga ayraboorka. Waa dhul ciid guduud ah. Waxaa kasii shisheeya ayraboorka dhul aad u ballaaran oo gaara illaa iyo Kulbiyow meesha lagu magacaabo. Waa dhul hawd ah, waxaa looga faa’iidaysan karaa beero. Waxaa kaloo looga faa’iidaysan karaa ama haddaba daggan xoolaha nool. Waa dhul istaraatiiji ah oo haddaad dhex gasho aan si sahlan laguu soo helayn.

Kismaanyo dhankeeda waqooyi galbeed waxaa ka xiga dhul asaguna hawd ah. Waa dhul-beereed. Waxaa kaloo aad u daggan ama ku badan geela, lo’da iyo ariga. Waxaa ku aaddan magaalooyin dhawr ah sida Afmadow, Qooqaani iyo Libooya oo xuduudda Keenya ku taalla. Dhulkaas oo dhan waa dhulka ay aad ugu badan tahay lo’da guduudan oo ay dhaqdaan reer Waamuhu. Kismaanyo waxaa hoosyimaada tuulooyin aad u badan oo dhan walba ka xiga. Waxay leedahay magaaladu xaddaarad ganacsi oo gabowday.

Magaalada waxaan uga sheekaynayaa ahmiyadda ay u leedahay Islaamka. Waxaan kaloo uga sheekaynayaa loollanka ay soo martay magaaladu iyo sida hadda loogu taahayo gaal iyo Muslimba. Rag baan seexan oo habeenkii ku qarwa, waa Barre Hiiraale iyo Moorgan.

Gaaladu danbay ka leedahay, hoggaamiya-kooxeedkuna dan buu ka leeyahay, Islaamkuna dan buu ka leeyahay Ilaahayna dan buu ka leeyahay. Waa loollanka Kismaanyo.

Ilaahay dan buu ka leeyahay oo wuu isku kaaya imtixaanayaa. Kee baa xaq wada oo Kitaabka Alle koryeelaya keebaase baadil wada oo hebel kor yeelaya? Ilaahay wuxuu makansiin magaalada ninkuu doono. Wuxuu gacanta u galin qofkii waddada xaqa ah ku socda oo Kitaabka Alle koryeelaya. Tan Allaana fuli oo xaqiiqadu ku dambayn doontaa.

Islaamku dan buu ka leeyahay Kismaanyo ama Shabaabku. Waxay rabaan inay Ilaahay ku raalligaliyaan qabsashada magaalada, waxay rabaan inay shareecada Alle ku oogaan Kismaanyo dhexdeeda. Waxay rabaan inay ugu khidmeeyaan bulshada Muslimiinta ah ee gaajada iyo colaaddu baabbi’isay. Waxay rabaan inay shirkiga iyo ehelkiisa ka nadiifiyaan magaalada oo ay ku baddalaan Tawxiid iyo ehelkiisii.

Hoggaamiya-kooxeedku dan buu ka leeyahay. Wuxuu rabaa inuu gaalo ku raalligaliyo. Wuxuu rabaa inuu Islaamka kula dagaallamo oo aan diinta Islaamku cizzi yeelan. Wuxuu rabaa in asagu yeesho cizziga iyo sharafta oo asaga loo hoggaansamo. Wuxuu rabaa in faaxishada iyo zinadu ku dhex faafto bulshada Muslimiinta ah oo nadiifka ah. Wuxuu rabaa in la yiraahdo hebel baa magaaladaas xoog ku haysta oo loo mari la’yahay (faan iyo i arkaay).

Gaaladu dan bay ka leedahay Kismaanyo. Waxay rabaan inay bulshada Muslimiinta ah ku dhex faafiyaan gaalnimo iyo ilxaad. Waxay rabaan inay boobaan hantida dhulka Muslimiinta ku dhexjirta oo ay ka caajiseen inay lasoo baxaan. Waxay rabaan in uusan xoog yeelan ama soo muuqan dhaqanka iyo ilbaxnimada Islaamku. Waxay rabaan inay la dagaallamaan ku-dhaqanka shareecada Islaamka oo ayagu ay u arkayaan mid kahor-istaagaysa dhaqankooda xun oo ay faafinayaan oo usocon la’ (gaalnimo)

Akhristayaalow waxaan rabaa in aannaan kala harin. Magaalada sheekadeeda waxaa iigu waawayn saddex arrimood:

  1. Waa magaaladii koowaad oo loo diiday inay maamulkeeda qabtaan Ictisaam.
  2. Waa meeshii koowaad oo odayaashii ama culumadii jihaad-diidka ahaa lagu yiri maya idinka yeeli mayno inaan hubka dhigno ama kala dirno maamul Islaami ah oo aan samaynay.
  3. Waxaa lagu galay dagaallo lagu hoobtay oo marna mujaahidiinta laga qabsanayay marna ay qabsanayeen ayagu. Waxaad xasuusataan maalmaha qaarkood oo ay ku ciidayeen mujaahidiintu. Waxaa amiirul mu’miniin ahaa oo dadka salaadda tujinayay jaasuuskii Shariif Murtad.

Waxaa qiyaadada kamid ahaa jaasuuskii kale oo lagu magacaabi jiray Axmed Madoobe oo markii dambana diyaaradaha kusoo hoggaaminayay. Waxaa Ilaahay kala saaray khabiithkii iyo saalixii. Ikhwaanii mujaahidiintu maalinkaas laga billaabo waxay ku jireen inay dib wax u saxaan. Waxay billaabeen inay hoos isu fiiriyaan, yaa ku dhexjira oo aan daacad ka ahayn camalkaan jihaadiga ah. Waxay galeen loollan ama lagdan dheer oo ay ku sifaynayaan saaxada ay ka buuxsantay abeesooyinka dhogorta Islaamka leh. Waxaa dhammaaday albaabka iga fura waxaan ahay sheekh hebel oo wada lacagtii ama mushaarkii ciidanka, waxyaabihii nalooga faa’iidaystay ayay kamid ahayd.

Waxay talosaarteen Ilaahay. Waxay iska ilaaliyeen lacag shisheeye laga keenay oo khayaamo dabasocoto. Waxay iska ilaaliyeen hay’adihii sirtooda gudbin jiray oo watay magaca khayriga. Waxay iclaamiyeen jihaad ka dhan ah gaalada iyo wixii taageersan oo dhan, Soomaali ha ahaado ama gaalo ha ahaado. Waxay soo dhawaysteen ama walaallo ka dhigteen cid kasta oo ku garabtaagan in lagu jihaado gaalada manhajkooduna yahay manhajkii Salafu Saalix.

Waxaa kala go’ay mujaahidiintii iyo gaaladii. Waxaa kala go’ay murtaddiintii gaalada u shaqaynaysay iyo mujaahidiintii. Waxaa kala go’ay qabiil adeegsigii ama qabyaaladdii iyo mujaahidiintii. Waxaa kala go’ay culumadii shalay mujaahidiinta ammaanaysay oo hoggaanka u hayay iyo mujaahidiintii! Maxaa dhacay?

Muslimiinay waxaan dhagahayaga ku maqalnaa har iyo habeenba in la leeyahay culumadii baa wax laga maqli waayay. Ummadda Soomaaliyeed kama liidato ummadaha adduunwaynaha ku dhaqan oo Muslimiin iyo gaalaba leh. Waxay leeyihiin cillad ka reebtay caalamka, cilladduna waa tan: Khabar bay maqlayaan ama wadaad ha sheego ama mid aan wadaad ahayn. Kii warka maqlay intuu warkaan raadin lahaa xaqiiqadiisa ayuu markiiba wuxuu leeyahay waa qoladee qofka warkaan sheegay? Hadduu noqon waayo qoladiisii qofka warkaan sheegay daaqadduu ka tuurayaa warkii loo sheegay xitaa hadduu yahay Qur’aan ama nusuus cad cad. Taasi waxay na dhaxalsiisay inaan ka tagno caddaaladdii iyo xikmaddii Qur’aanku na farayay. Ilaahay wuxuu Qur’aanka ku leeyahay ama ku ammaanayaa kuwa hadalka dhagaysta kadibna qaata kiisa fiican. Dadka sidaas yeela ayaa ah kuwa Ilaahay hanuuniyay caqligana u saaxiibka ah. Haddaadan saas yeelin oo aadan warkii kuu yimaada kala saarin kiisa xun iyo kiisa fiican oo aadan xaqiijin khabarku wuxuu xambaarsan yahay ogow qolaad u rarantahay baadina waad ku sugantahay.

Akhristayaal waxaan joognaa ka gungaariddii qormadaan iyo dantaan ka lahaa taariikhdaan gaaban oo aan ugu magacdaray Masoo Gaadhay Gaal iyo Wadaad Gaadh u Wada Taagan. Waxaan ku iftiiminayay qormadaan labada arrimood oo ka kooban:

  1. Dulmiga laga galay iyo burburka loo gaystay mujaahidiintii Geeska Afrika gaar ahaan kuwii  Soomaaliya.
  2. Beenta iyo xasadka is-huwan oo laga fidinayo mujaahidiinta oo ay ka fidinayaan culumadoodii ama culumadii Soomaaliyeed ee ayagu u arkay in jihaadku yahay dib-u-dhac iyo khasaare aan bulshada horumar gaarsiinayn dadkiina ku dhammaadeen siday ayaga la tahay ama ay muujiyen.

Waxaan labadaan qodob ku faahfaahin doonaa inshaa Allaahu tacaalaa qormadeenna soo socota. Waxaan rabaa inaad dib u muraajacaysaan ama u xasuusataan intii dhibaato loo gaystay mujaahidiinta. Waxaad il naxariis leh ku eegtaan inta noo joogta ilmo agoon ah oo aabbohood Al-Itixaad ama Ictisaam ay dagaalgaliyeen ama jihaad ugu yeereen. Xasuusta intay imaarad Islaami ah burburiyeen. Xasuusta inay mujaahidiinta iyo culumadu wadasocdeen Kismaanyo ka hor!

Intaan isku soo laabanayno wax badan maskaxdiina kusii aruuriya. Waxaad u diyaargarowdaan inaan kala xukunno raggaan oo aan garab siinno kuwooda saxan kan khaldanna aan u nasiixayno. Malafyadii qawaacidda xukunka sii akhriya. Waxaan la hadlayaa waa dadka maskaxdooda xorta u ah! Qofkii maskaxdiisa la maamulo nasiib kuma lahan gartaan qaadisteeda iyo ka runsheegiddeeda toona.

Fiiro Gaar ah: Waxaan qormada soo socota ku iftiimindoonnaa inshaa Allaahu waxqabadkii Maxaakimul Islaami ee Shariif madaxda ka ahaa iyo dagaalladay la gashay Itoobiya iyo murtaddiintii la socotay kuwoodii ugu waawaynaa.

Qeybta 42aad

Walaalayaal waxaan kala tagnay ayada oo farta wadnaha lagu hayo oo laga cabsi qabo in dagaal ka qarxo magaalada Muqdisho, dagaalkaas oo u dhexeeya Midowgii Maxaakimta Islaamiga iyo hoggaamiye-kooxeedyadii Muqdisho oo u arkay in kuraastoodii ay khatari ku jirto.

Magaalada Muqdisho waji kale ayey gashay, waxaa soo muuqda dagaal ka duwan dagaalladii ay horay u yaqaanneen shacabka Soomaaliyeed, waa dagaal diineed, oo lagu dagaallamayo caqiido iyo diin.

18kii bishii 2aad ee 2006dii goor barqo ah ayaa xarunta uu magaalada Muqdisho ka dagganaa Maxamed Qanyare Afrax ee Dayniile looga dhawaaqay isbahaysi ay ku midoobeen dagaal-oogayaashii Muqdisho, isbahaysigaas waxaa lagu magacaabay Isbahaysiga la-Dagaalanka Argaggixisada. Isbahaysigaan oo markii hore ay ku dhawaaqeen sagaal dagaal-ooge ayaa markii dambe sii ballaartay oo gaaray illaa 11 dagaal-ooge. Sagaalkii dagaal ooge ee Dayniile kaga dhawaaqay isbahaysiga waxay kala ahaayeen:

  1. Maxamed Qanyare Afrax
  2. Muuse Suudi Yalaxow
  3. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish)
  4. Bootaan Ciise Caalim
  5. Bashiir Raage Shiiraar
  6. Cabdirashiid Shire Il-Qeyte (waxaa matalayey wiilkiisa Cabdifataax)
  7. Cabdi Shukri Cali Xirsi
  8. Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal)
  9. Ciise Cismaan Cali
  10. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere)
  11. Cabdi Cawaale Qaybdiid

Labadaan hoggaamiye-kooxeed ee dambe ayaa maalmo yar kadib kusoo biiray isbahaysigaan.

Dagaal-oogayaashaan ayaa warbaahinta la hadlay isla maalintii ay ku dhawaaqeen isbahaysigaan, waxaana isla maalintaas billawday dagaal ballaaran oo u dhexeeya Midowgii Maxaakimta Islaamiga iyo isbahaysigaan ay dhisitaankiisa ka dambeeyeen sirdoonka Maraykanka Sii.Ay.Ee iyo midka Tigreega.

Waxaa isla maalintaasba hadlay oo war siiyay saxaafadda guddoomiyihii golaha Maxaakiimta Islaamka Shariif Sheekh Axmed oo sheegay inay dagaal kaga hortagi doonaan “isbahaysiga sharta iyo sheydaanka, inshaa Allaah wey jabi doonaan iyagaana ka shallayn doona, waana Ashahaado-la-dirir.”

Dagaalkii ayaa kululaaday, magaalada Muqdisho oo dhan ayuu dagaalkii saameeyey, maalintii hore waxaa la riixay oo goobohoodii laga durkiyey Maxaakimtii. Dagaalkii wuu fiday oo wuxuu gaaray bannaanka magaalada Muqdisho. Waxaa la qabsaday dakaddii Ceel Macaan, waxaa gacanta lagu dhigay eeraboorkii Cisaleey, waxaa labadaan gooboodba gacanta ku hayey ganacsade Bisheer Raage Shiiraar.

Maalinba maalinta ka dambaysa dagaal-oogayaashii mid mid ayaa xooggoodii loo wiiqayey. Kooxdii Baydhaba fadhiday dagaalladaan way ka hadleen, waxay ku sheegaan ayey garan waayeen, Cali Maxamed Geeddi oo ahaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumaddii Cabdillaahi Yuusuf wuu kala hadlay, mar wuxuu dagaalladaan ku sheegay inay yihiin dagaallo u dhexeeya shacabka reer Muqdisho, ururrada bulshada iyo Maxaakimta Islaamiga ah oo dhinac ah iyo hoggaamiye-kooxeed dawladdiisa ka tirsan oo gadoodsan dhibaatana ku hayey shacabka. [Dhageyso]

29kii Maarso mar ay saxaafaddu wax ka weydiisay dagaallada Muqdishio ka socda waxa uu ku sheegay inuu yahay dagaal loogasoo horjeedo argaggixisada caalamiga ah dawladdiisuna ay safka hore uga jirto. [Dhageyso]

Bashiir Raage Shiiraar oo Bii.Bii.Sii-da la hadlay ayaa sheegay in isbahaysigooda ay soo dhiseen Intarbool-ku (Booliska Dawliga). Wuxuu sheegay in loo xilsaaray inay argaggixisada Soomaaliya joogta ay soo qabqabtaan, waxaa uu sheegay in dagaalku uu socon doono inta ay hawshoodaas qabsanayaan, Warbaahinta Soomaaliyeed wuxuu u sheegay in isbahaysigaani uu la dagaallamayo wax uu ku sheegay aragtida Wahaabiyada dalkeenna loosoo waariday.

Ikhwaanii ugu dambayntii waxaa laga adkaaday oo Ilaahay hoojiyay sagaalkii nin oo Islaamka la-dagaallankiisa isusoo bahaysatay. Waxaa godadkoodii loogu galay abeesooyinkii suntan lagasoo qaadan jiray. Waxaa la burburiyay qalcadihii murtaddiintu ku dhuumanayeen. Waxaa la qabsaday eeraboorradii laga dhoofin jiray mujaahidiinta, sida kii Cisaleey iyo kii Dayniile. Waxaa xididdada loo siibay jawaasiistii akhbaarta gudbin jirtay.

Waxaa la qabtay raggii shaqadaan oo dhan hawlwadeenka ka ahaa. Waxaa la helay sir culus oo anfacday ducaadda illaa iyo maanta. Waxaa mid mid loo siibay balaayadii nagu dhex jirtay oo la ogaaday ama laga helay Sii.Ay.Ee-da jihaazkeedii ama kumbyuutarkeedii. Magaaladii Xamar ayaa maalmo yar waxay noqotay meel aamin ah oo laga waayay cid dulmisa cid kale. Waxaa la raacdaystay oo gobollada looga dabatagay fiiggii ka haray murtaddiintii Xamar laga eryay.

Billawgii bishii lixaad (Juun) ee sanadkii 2006dii ayey Maxaakimtu gacanta ku dhigeen oo xoreeyeen guud ahaan magaalada Muqdisho. Waxaa la gaaray xilligii macruufka noqday ee ahaa Maxaakimtii iyo lixdii bilood ee Xamar. Waxaa la ballaariyey haykal dhismeedkii Maxaakimta, waxaa laga dhigay Midowga Maxaakimta Soomaaliyeed halka markii hore ay ka ahayd Midowga Maxaakimta Muqdisho. Waxaana midowgaas kusoo biiray maxaakim kale oo laga aasaasay gobollada dalka Soomaaliyeed.

Ayadoo aan dagaalkii dhammaan oo dhalinyaradu ku mashquulsan yihiin sugidda ammaanka ayaa waxaa caalamka isaga kala yimid odayaashii Ictisaam oo carari jiray markii guuldarro timaaddo, markii khayr iyo guul la gaarana imaan jiray ayagoo boorsooyin waawayn wata. Waxay dheheen, “Maashaa Allaahu waxaad qabateen hawl aan caadi ahayn. Murtaddiintiina waad ku saxnaydeen inaad ku jihaaddaan waxayna ahaayeen gaalo Ilaahay diintiisii dagaal kala hor yimid! Nagusoo wareejiya maamulka annaga odayaasha ah, maxaa yeelay adinku wax ma maamuli kartaan mana taqaannaan si wax loo maamulo. Hawshaanu waa hawl wayn oo u baahan fiqhi iyo axkaam daqiiq ah. Aad ayaadna ugu mahadsantihiin murtaddiintii aad magaalada ka saarteen, dhiiggooduna waa hadur oo waxay ahaayeen murtaddiin.” Waa fatwadii shalay laga waayay ama ay diideen markii loo baahnaa, way lasoo daaheen. Gabar xun ma ihiye, beer baas ayaan leeyahay!

Waxaa la galay xiwaar dheer. Dhalinyarada waxaa ku jira beer baas oo aan maya aqoon. Laakiin waxaa galay shaki fara badan oo sidoodii hore ma ahan. Waxay daaqadda ka saareen afraaddii ay ku yaqaanneen khayaamada iyo inay maalin walba burburin jireen waxay soo dhisaanba. Waxay soo dhawaysteen qolo cusub oo soo huwatay haybad wadaad ama la yimid dhaqan mujaahid.

Raggaas lagu kadsoomay waxaa kamid ahaa Janaqow iyo saaxiibbadiis. Wax la tirin karo ma ahayn ragga ducaadda u ekaa ama wadaad wanaagsan la moodayay, markii dambana lasoo baxay dhaqankiisii dhabta ahaa. Waxay dhalinyaradu aamineen rag culumo waawayn ahaa oo diintaan in badan kusoo dhex jiray. Waxay hawshii ku wareejiyeen dad ay u qabeen inay ehel u yihiin xag diineed iyo xag maamul intaba.

Dhalinyarada ujeeddadeedu waxay ahayd in la helo dawlad Islaami ah oo dadka u khidmaysa. Waxay dhalinyaradu ka dhiidhiyeen culumada la dhoofinayo sidii arigii. Waxay diyaar u ahaayeen inay askar noqdaan oo gaalada la dagaallamaan maamulkana ay qabtaan ciddii ehel u ah. Waxaa dhici karta in ayaga laga dhex helo cid maamulka ku wanaagsan, waxaa dhici karta inay bulshada dhexdeeda ka yimaadaan dad aqoon u leh maamul wanaag, aqoonna u leh shareecada Islaamka iyo axkaamteeda.

Ducaaddu waligood kuma ay fakarin wixii dhacay oo ay sameeyeen raggii la aaminay oo loo dhiibay dawladdii Islaamka ahayd oo dhiigga badanu ku daatay. Dhalinyaradu waxay ku baraarugeen odayaashii Ictisaam qaar kamid ah oo ay dareemeen luggooyada ay ku hayeen jihaadka iyo raggii waday. Dhalinyaradu meeshaba masoo dhigan bulsho dhan oo khayaamo lasoo taagan ama Alle ka-fogaansho in yar oo Ilaahay u naxariistay mooyee. Waxay gaaladu ku adeeganaysaa culumadii, aqoonyahankii, iyo odayaashii intii Ilaahay u naxariistay mooyee. Yaa la aaminaa?

Dhismihii Dawladdii Maxaakimul Islaami ee Xamar

Waxaa la galay shir wayn oo lagu falanqaynayay qaabkii loo hoggaamin lahaa dawladdaan iyo ciddii hoggaamin lahayd. Waxaa yimid kooxo xukun-doon ah oo qola walbaa leedahay annagaa xaq u leh qabashada hoggaanka.

Kooxahaas waxaa kamid ahaa Ictisaam oo u qabay inay dadka ka xigaan dhismaha dawladdaan iyo hoggaaminteeda. Waxaa kamid ahaa odayaasha Hawiye oo ku doodayay annagaa xaq u leh hoggaaminta dawladdaan Xamar ka dhalatay. Waxaa kamid ahaa ururrada bulshada oo waxaas oo dhan u arkayey inay ayagu ka sarreeyaan cid walba oo ay yihiin aqoonyahannadii ummadda hoggaamin lahaa xaqna ay u leeyihiin hoggaaminta dawladdaan.

Muddaa la is mari waayay. Waxaa kala jabay Ictisaam. Waxaa geeska la galiyay odayaashii Ictisaam oo aan ahayn Hawiye siday ayaga la ahayd ama dhismaha dawladda ka muuqatay. Dhalinyaradu markay arkeen sida xukunka loo jecel yahay oo loogu xisaabtamayo ayay dib isu qabteen oo waxay go’aansadeen inay askar ahaadaan oo furinta galaan ciddii hoggaanka qabanaysana ay ku addeecaan.

Ugu dambayn waxaa la dhisay maamul uu madax u yahay Shariif Murtad Karazaay. Wuxuu ahaa balaayo nalagusoo darsaday oo aan laga warqabin. Wuxuu ahaa jaasuus ama kadib ayuu aqbalay inuu jaasuus noqdo. Waxaa la shaqaynayay kuwo asaga shaqada ugasoo horreeyay oo aan war laga hayn (jawaasiis). Waxaa la gudagalay inay shaqayso imaaradaan Islaamiga ahayd oo Xamar dhidibbada loogu aasay.

Ma dhammaan dagaalkii lagula jiray hoggaamiya-kooxeedyadii. Maalin walbaa magaalaa laga qabsadaa mooryaantii. Markii magaalada la qabto ayaa maamulkii la dhisay oo dawladdu lahayd wuxuu u magacaabaa magaaladii la qabtay mooryaan qabiilka meesha daggan ka tirsan. Dhalinyaradii way shakiyeen markay arkeen ninkaan ay yaqaannaan oo mooryaanka ah ama qabiilku ka buuxo oo loo dhiibay magaaladay ka qabsadeen mooryaanta.

Maamulka dawladda markay waydiiyaan khaladka ay arkeen waxaa lagu yiraahdaa maslaxada dacwada ayaa ku jirta sidaan. Way iska aamusaan ayagoo arka dhibaatada jirta. Waxaa layaab ah mooryaan ka xoree oo mooryaan u dhiib. Waxaa dhacay dhacdooyin waawayn oo u baahan in buugaag laga qoro. Anigu waxaan tooshka ku shidayaa ama iftiiminayaa ciddii mas’uulka ka ahayd wixii dhacay iyo khayaamadii loo gaystay ummadda Soomaaliyeed iyo ducaaddii diinta u adeegaysay. Waxaan rajaynayaa inay u istaagaan raggii xog-ogaalka ahaa oo ay diiwaan galiyaan taariikhdaan soo martay ummadda Soomaaliyeed. Ugu dambayn waxaa dhacay dagaallo waawayn oo lagu hoobtay.

Waxaa xasuus mudan in laga sheekeeyo hoggaankii sare ee dawladdii Islaamiga ahayd. Waxaa madaxwayne ka ahaa Shariif Sheekh Axmed. Maxaad ka malaysanaysaan dawladda madaxwayneheedii iyo wasiirkii gaashaandhiggu ay jawaasiista yihiin? Imisa jaasuus ayaa ku dhex jirtay? Ilaahay bay u xisaabsanaayeen waxaanse u malaynayaa inay ahaayeen ciidamo dhan. Allaahumma sallim, sallim. Waxaa Wasiirkii Gaashaandhigga ka ahaa Yuusuf Siyaad Indhacadde.

Dhismahaan Maxaakimta loo sameeyay waxaan hubaa inay ka dambaysay gacan shisheeye ama Sii.Ay.Ee-da ha ahaato ama cid kale. Waxaana loogu tala galay in lagu fashiliyo ama looga hortago tayaarkii jihaad-doonka ahaa. Ujeeddadii gaaladu ka lahaydna waa u fushay oo waa taad ogaydeen wixii lagu falay ikhwaankii, didibtii bannaanayd wixii duubcad lagu laayay!

Dhalinyaradu waxay baraarugeen baraaruggii ugu dambeeyay. Waxay ogaadeen cidda ay hoggaanka u dhiibteen inaysan daacad ka ahayn jihaadka iyo miradhalkiisa. Waxay ku baraarugeen kuwaan cusub (Shariif Karazaay) iyo kuwii hore (odayaashii Ictisaam) inay isku mid ka yihiin. Waxay qaateen go’aankii ugu dambeeyay oo ay ku badbaadin lahaayeen dhalinyarada inta hartay iyo camalkay ku jiraan oo jihaadka ah.

Walaalayaal kama sheekaynayo dagaalkii iyo gumaadkii dhacay. Kama sheekaynayo fashilkii ku yimid dawladdii Islaamiga ahayd iyo ciddii fashilisay. Kama sheekaynayo barakicii loo gaystay bulshadii dagganayd ee ku nasatay imaaradii Islaamiga ahayd. Ma ahan in aanan dan ka lahayn oo aan xaqirayo laakiin ma siin karo xaqqeeda haddaan damco inaan ka sheekeeyo. Rag baa Ilaahay usoo saari doonaa taariikhdaas iyo diiwaan galinteeda inshaa Allaahu tacaalaa.

Waxaan rabaa inaan caddeeyo meeshii ay ku kala hareen odayaashii Ictisaam (Itixaad ahaan jiray) iyo ducaaddii ay muddada soo luggoynayeen ama soo khayaamaynayeen. Burburkaan hadda dhacay oo aan faraha kula jirno mushkiladdiisa odayaasha Ictisaam saamayn wayn bay ku leeyihiin. Waxay dhex joogaan ama lasoo xiriiraan maamulka Maxaakimta. Waxay bixin jireen talooyin iyo tawjiihaad. Afraad ayaga kamid ah waxay hayeen jagooyin muhiim ah oo imaaradu leedahay.

Qoladaan cusub oo Shariif Karazaay madaxda u yahay iyo qoladii hore ee Ictisaam waxaa ka dhexeeya isfaham xagga maamulwanaagga ayaga siday la tahay. Shariif Karazaay ma ahan nin Ictisaam ah. Waxaa kooxdiisa lagu magacaabaa Aala Shiikh. Nimankaasi ma ahan niman soo dagaallamay oo dagaal wax ka yaqaan. Waxaa macallimiin u noqday odayaashii Ictisaam oo ku gaboobay sida loo jallaafeeyo wiil yar oo qori la ordaya oo jihaad ku khafiifay siday ayaga la ahayd.

Waxay isku waafaqeen in laga fogeeyo maamulka imaarada ragga ay ku jirto ruuxda jihaadiga ah. Waxay isla gaareen qaraar ah in magaalo kasta oo mooryaanta laga xoreeyo loo dhiibo qabiilkii mooryaanta dhalay ducaaddana laga fogeeyo maamulkaas dagmadu yeelatay. Waa yaab! Markii horaba mooryaanta waxaa meesha dhigtay odayaasha qabiilka oo maamulka dagmada loo dhiibayo! Maxaa la faa’iiday? Mooryaanka iyo aabbihiis kee baa dhib badan? Aniga waxaa ila dhib yar wiilkaan yarka ah oo ay ku filan tahay marduuf qaad ah. Laakiin odayga waxaa qanciya wixii Buush qanciya.

Waxba yaanan sii fogaan. Waxaan gaadhnay magaalada Kismaanyo. Waxaa laga adkaaday kaaba-mooryaankii Kismaanyo haystay. Sidii caadada u ahayd ururkii Ictisaam ama odayaashii markii magaaladii la qabtay ayay bustahoodii soo dhigteen oo waxay dheheen u dhiiba maamulka magaalada odayaasha qabiilka meesha daga oo mooryaanta dhalay. Libaax la tag bartay ka dhig waa ku ceeb!

Dhalinyaradu qorshay wataan oo intaan magaalada lagu soo duulin ayay ka wada hadleen magaalada iyo siday ka yeelayaan haddii la qabsado. Odayaasha Ictisaamna war kama hayaan oo waa culumadii mujaahidiinta marka nasri la gaaro ama nabadda la yahay. Waxay u barteen dhaga-nuglaanta Shabaabka iyo xoog furnaantooda. Waxay odayaashu dhalinyarada ku ammaanaan inay yihiin ducaad wax ku ool ah, xagga dagaal, xagga dacwada  iyo dhanka manhajka intaba.

Waxaa lagu jiraa shir ku saabsan sidii dhalinyaradu kusoo wareejin lahaayeen magaalada Kismaanyo, waxa lagu wareejinayaana waa mooryaantii la kala eryay aabbayaashood ama tolkood. Waxaa dalabkaasi ka yimid odayaashii Ictisaam oo la arki jiray marka nasri la gaaro, markii birta la iska aslayana carari jiray ama dhalinyarada eedayn jiray oo oran jiray “Adinkaa sabab u ah musiibada dhacday.” Marka wanaag la gaarana dhihi jiray “Maashaa Allaahu waxaad qabateen hawl aan caadi ahayn. Soo dhiiba maamulka.”

Ikhwaanii aan sugno shirkaas waxa kasoo baxa. Waxaa kaloo la idinka rabaa inaad ra’yigiina ku darsataan waxa laga yeelayo Kismaanyo. Ma jirto magaalo ka dambaysa Kismaanyo. Kismaanyo waxay ku taallaa ama saarantahay badda. Haddaan dhiibno ayada magaalo dambe ku xisaabtami mayno. Waxaan sugaynaa ra’yigiina inshaa Allaahu.

Waa inoo qormada dambe.

Qeybta 41aad

Ikhwaanii waxaan kala tagnay ayadoo maxkamadihii Islaamiga ahaa loo tashaday oo inta dawlad Karazaay ah lagusoo dhisay Carta ciidammadii iyo madaxdoodiiba la yiri waxaad tihiin dawlad. Dawladdaas waxaa madax ka ahaa Cabdi Qaasim Salaad Xasan. Waxaa loo soo sameeyey oo kaliya in lagu burburiyo Maxaakimtii Muqdisho ka hanaqaadday oo gaartay heer caalami ah ama awood muuqata yeelatay.

Ducaaddii iyo ciidamadii Maxaakimta ayagoo aan kala harin ayaa waxaa shab lagu dhexsiiyay maamulkii ay sameeyeen Maraykanka, Jabuuti iyo Itoobiya ee Carta. Markii Cabdi Qaasim la wareegay ciidammadii Maxaakimta ayaa waxaa meesha ka baxay mujaahidiintii Maxkamadaha.

Haddaad xasuusataan Maxkamadaha waxay ku labbisnaayeen tuute ay kor uga qoran tahay magac qabiil, hoostana ay uga qoran tahay Kalimatu Tawxiid. Maxkamadihii intay ducaadda gacanta ugu jireen waxay yeesheen akhlaaq diineed, waxay yeesheen tababbar ciidan, waxay yeesheen faham diineed. Waxaa la isku daray rag culumo ah iyo raggii mooryaanta soo ahaan jiray markaasay ku daydeen culumadii iyo dhaqankii fiicnaa ee ay culumada ka arkeen. Ninkii shalay mooryaanka ahaa maantay waa mujaahid.

Culumadii waxay wacdiyeen oo wax bareen dadkii diin-yaridu haysay. Waxaa muddo kadib soo baxay ciidan bidhaan Islaam leh oo kala amarqaadanaya. Waxaa soo baxay ciidamo dagaalyahan ah oo muddo mooryaan soo ahaa haddana looga faa’iidaystay ciidan ahaan inay shareecada Islaamka ximaayo u noqdaan ama ilaaliyaan.

Cabdi Qaasim dharkii buu ka baddalay Maxaakimtii. Wuxuu u galiyay dhar loosoo dhiibay oo ay ku qoran tahay Ciidammada Dawladda Cabdi Qaasim Salaad Xasan. Wuxuu ka baddalay akhlaaqdii iyo Islaam ku-dhaqankii. Wuxuu dhagta ugu sheegay inay jiraan wax badan oo soo socda oo is baddal ah. Wuxuu duufsaday ama ku kadsoomay culumo waawayn oo miisaan ku lahayd bulshada dhexdeeda oo run u maleeyay wuxuu sheegayo Ina Qaasim. Waxay u maleeyeen Carabigii uu daldalayay inuu yahay nin wadaad ah.

Cabdi Qaasim markii la ogaaday in maxkamadihii lagu burburiyay dawladdiisii ayaa asagiina la eryay illayn dan kale lagama lahayne. Wuxuu ahaa kaar la isticmaalay markii laga dhammaystayna la tuuray. Gaalo waxay diyaarsatay raggii hoggaamin lahaa ciidammadaan sida sahlan ay ugasoo dhacsatay Cabdi Qaasim iyo ducaaddii uu duufsaday ama qabiilka ku raacday Cabdi Qaasim.

Cabdi Qaasim waxa uu Taliyaha Booliiska u magacaabay Cabdi Qaybdiid halka Taliyaha Mileterigana uu u magacaabay Galaal. Labadaan nin ayaa gacanta ku hayey askartii xilli mujaahidiinta Maxaakimta ahaan jirtay meeshaanna ay keeneen sidaan soo sheegnay culimadii Itixaadka oo markaan wata magaca Ictisaam.

Ciidammadaan waxaa loo xiray shaar cusub, midkii uu Tawxiidku hoosta kaga qornaa waa laga bixiyey, waxaa loosoo diyaariyay tuute cusub ama dhar cusub. Waxaa shaarka korkiisii lagusoo qoray saddex magac: Ciidammada Dawladda ku-meel-gaarka ah, Ciidammada Maxaakimul Islaamiya, Ciidamada Ummadda Soomaaliyeed. Waxaa la rabaa ciidammadaan in lagula dagaallamo wadaaddada ku tababbarta Xamar dhexdeeda oo lasoo heli waayay saldhiggoodii iyo sirtoodii intaba.

Raggaan gaaladu raadinayso waa ragga ay ka go’an tahay raadinta dawlad Islaami ah, waa rag naftooda u huraya si loo xaqiijiyo hadafkaas, meel ay joogaan lama yaqaanno sababtuna waxay tahay Maxaakimtii Islaamiga ahayd ayey ku dhexmilnaayeen. Maxkamadihii waa laga takhallusay oo waxaa loo adeegsaday culumo iyo Karazaay Cabdi Qaasim. Waxaa hadda si toos ah loo muwaajahayn doonaa dhalinyaradii oo baalihii laga rifay ama darbigii ay ku dhuumanayeen laga dumiyay.

Waxaa xusid mudan markii lasoo gaaray 2006dii maleeshiyaadkii ay wateen hoggaamiye-kooxeedyadu oo ay kula dagaallamayeen Midowgii Maxaakimta inay ahaayeen mujaahidiintii Maxkamadihii lagu baabbi’iyey maamulkii Carta.

Maleeshiyaadkii sida kulul ula dagaallamay Midowgii Maxaakimta ee Muqdisho ee uu hoggaaminayey Cabdi Qaybdiid waxay ahaayeen mujaahidiintii hore ee Maxkamadaha ee uu u noqday taliyahooda maadaama uu ahaa Taliyaha Booliiska. Raggaas la laayey ayaga oo difaacaya Cabdi Qaybdiid kana soo horjeeday Midowgii Maxaakimta yaa heerkaas gaarsiiyey? Yaa sabab u noqday inay dhintaan ayaga oo difaacaya hoggaamiye-kooxeed? Yaa manhajkoodii baddalay? Jawaabtu waa Ictisaam iyo dhammaan culimadii ka shaqaysay in mujaahidiintii Maxkamadaha la hoos geeyo Cabdi Qaasim.

Dadka shacabka ah iyo wadaadxume oo dhan waxay u qabaan waxa socdaa inuu yahay maamul ay leedahay koonfurta Soomaaliya ama beelaha Hawiye. Waxaa dhagta loogu sheegay iska celiya nimanka waddammadoodii soo gubay oo lagu yiri Hawiye soo barakiciya! Waxaa xoogow shilimo ah la siiyay iimaanlaawe oo dhan oo waxaa la yiri qayli oo waxaad dhahdaan annaga reer hebel ah waxaan rabnaa in magaaladayada nalooga baxo, dagaal ma rabno, shisheeye ma rabno iyo wixi la mida.

Wadaaddadii casabiyadu beerka u fariisatay iyo kuwii jawaasiista ahaana waxay dadka ama bulshada ku qanciyaan “Arrintaanu waa bannaantahay oo waa masaalixu-dacwa. Nebigu (sallallaahu calayhi wasallam) wuxuu sameeyay dacwo la yiraahdo yaa qawmi, marka waa noo bannaantahay inaan annagoo qabiil ah gees ubaxno oo dadkeenna jahliga ka saarno. Waxaa kaloo xaaraam ah in qof Muslim ah oo ashahaadanaya la dilo, hadduu rabo asagu haku dilo. Qiyaame asagaa laga rabaa jawaab sababtuu kuu dilay. Adigu shahiid baad tahay! Marka walaalayaal iska dhiga hubka waxaa lagu jiraa waqti fitno. Nebigu wuxuu yiri waxaa la gaari doonaa waqti fitno. Waqtigaas asaga ah ninkii gaaraa gurigiisa ha galo. Haddii lasoo weeraro yuu gacan taagin ama iska celin qofka dilaya. Haddii naagtiisa lagu hor kufsado yuu far taagin. Hadday rabaan adiga haku kufsadeen. Isbir, isbir, isbir!”

Naagi xaggee joogtaa adaaba lagu dilay oo lagu yiri ha is difaacin! Fatwooyinkaas aad mooddo in nin waalani fatwooday oo u adeegaya gaalada oo ay buufinayeen jawaasiistii wadaaddada u ekaa oo gaalada la shaqaynayay ayaa dadkii lagu jaahwareeriyay ama shubho laga galiyay diintoodii iyo difaaca naftoodi iyo ehelkoodii intaba.

Waxay dadkii ku dul akhriyeen axaadiith aan booskeedii oollin laakiin diinta kamid ah. Waxaa lagu yiri bulshadii Muslimiinta ahayd oo u diyaargarowday inay gaalada iska dhiciso, “Amxaaradu waa dawlad, dawladna lalama dagaallami karo, Maraykanna warkiis iskaba daaya.” Waxaa lagu yiri sagaalka nin oo gaaladu ciidanka ka dhigatay oo dadka gumaadayay, waa Muslimiin walaalihiin ah ninkii xabbad ku ridaana waa takfiir, waa ehlu-Naar hadduu dhinto iyo wax la mida.

Ummadda Soomaaliyeed waa ummad aan dagaal loogu faanin oo dagaalyahan ah haddana waa ummad Muslimiin ah oo markii loo sheego wax diintooda dhaawacaya way ka istaagaan. Mushkiladda ummadda haysata oo looga faa’iidaystay waxay tahay ayagoo aan diintoodii si sax ah u baran ama fiqi-yari xagga jihaadka ka haysatay culumo iyo caamaba. Culumadu baabul jihaad waa akhriyaan laakiin qorshaha kuma ay darsan inay dhiig daadiyaan ama laga daadiyo waligood!

Shacabku waligi ma arag diin loo dagaallamayo oo naf iyo maalba lagu bixinayo. Waligood uma xanaaqin Alle dartiis iyo in diintii wax laga sheegay. Waligood masoo marin wadaad oranaya ina keena aan reer hebel ku duulno maxaa yeelay waxay diideen ku-dhaqankii shareecada Islaamka. Indhaha ma aysan saarin xuduud Islaam oo la fulinayo. Gacan la gooyo, lug la gooyo, dhagax la isku dilo, midna ma aysan arag umana qabaan inay diinta kamid tahay. Laakiin waa jirtaaye waa laga qariyay. Markaasay qariibsadeen qoladaan tuugga gacanta goynaysa. Waxay qariibsadeen kuwa dhillaysta oo meherka soo maray in dhagax lagu dilo.

Waxay yaqaanneen bulshad Soomaaliyeed dagaal sokeeye oo ay ogaayeen inuu xaaraam yahay. Waxaa la safnaa oo ku garabtaagnaa dagaalkaas sokeeyaha oo xaaraamta ah culumadoodii diinta soo bartay. Waxay dhihi jireen culumadu markay rabaan in reer hebel lagu duulo, “Waxaa idiin bannaan dhiigga reer hebel maxaa yeelay way idin dulmiyeen dulmiguna ma bannaana. Dagaalkaas ninkii ku dhintaa wuxuu ku dhintay jihaad oo wuxuu difaacayay naftiisa iyo cirdigiisa. Wuxuu difacayay maalkiisa!”

Cajaa’ib. Tigree ma bannaana in la iska dhiciyaa oo waa dawlad, dagaalkooduna waa fitno! Kaaba mooryaanka ma bannaana in la iska dhiciyaa oo waa Muslim waana fitno in lala dagaallamaa! Hawiye, Daarood, Dir iyo Adaris waa bannaan tahay in la iska dhiciyo oo waa lagu jihaadi karaa! Ka warrama fiqigaas? Saas waxa qaba nimanka ama culumada la baxday Ehlu Sunna wal Jamaaca iyo Ictisaam intooda xun oo gaalada jawaasiista u ah.

Akhristayaalow waxaa billawday mashruucii fayskiisii labaad oo gaaladu ugu talagashay in lagu ciribtiro mujaahidiinta intay curdanka yihiin. Waxaa la ugaarsaday afraaddii waxtarka ahayd, waxaa nolol lagu dhiibaa maalin kasta culumo si qarsoodi ah loo qabqabto. Waxaa toogasho lagu dilaa ninkii ama wadaadkii nolol lagu qaban waayo. Waad xasuusataan inta Shiikh Xasan Daahir la dhaawacay.

Waxaa la dilay ducaad qaali ahayd. Waxaa kamid ahaa Shiikh Cabdullaahi Sahal taqabbalahullaahu. Waxaa la dhoofiyay sidii arigii raggii ama ducaaddii Xamar joogtay ama gobollada joogay oo aan hubaysnayn. Waxaa xabsiyada laga buuxiyay mu’miniintii Ilaahay naftooda ka iibsaday. Waxaa lasoo weeraray oo hanjabaad loogu daray kooxdii hubaysnayd. Waxaa lagu wargaliyay inay isdhiibaan ama ka baxaan carro Hawiye ama gobollada koonfureed oo Hawiye ka taliyo.

Dhalinyaradii markii godkoodii biyo ugu soo galeen ayay la tashadeen culumadoodii. Waxay dheheen tala keena waxaad arkaysaan ayaa dhacaya. Waxaa la idiinka baahan yahay laba arrimood:

  1. Inaad nimankaan murtaddiinta ah oo ducaaddii iibsanaya fatwo kasoo saartaan lagula dagaallamo.
  2. Inaad dagaalka nala gashaan arrintaan ma dhawran karnee.

Al-Ictisaam labadii arrimood maya iyo haa midna ma dhihin. Way ku kala aragti duwanaayeen la dagaallanka hoggaamiye-kooxeedyada. Rag waxay qabeen in lala dagaali karo ragna waxay qabeen inaan far la saari karin oo ay tolkood yihiin ama Muslimiin. Mar haddii fatwo laga waayay waxaan laga sugayn ciidan inay keenaan. Aamus ayey ku jawaabeen al-Ictisaam. Dhalinyaradii go’aan bay gaareen. Ilaahay bay talasaarteen. Waxay galeen diyaargarow.

Waxaa dhacay weerarradii lagu qaaday Maraykanka 11kii Sibtembar. Magaalada Muqdisho waxaa ka billawday dagaal hoose oo u dhexeeyey dhalinyaradii shareeco-doonka ahayd iyo hoggaamiye-kooxeedyadii Muqdisho, waxaa si cad usoo muuqday dawrka ay dagaalladaas ku lahaayeen sirdoonka Tigreega iyo midka Maraykanka iyo guud ahaanba midka reer Galbeedka, waxaa magaalada Muqdisho ka billawday iqtiyaalaad iyo is-ugaarsi, Dagaalkaasi wuxuu ahaa wadaamaysi, mar mar dhalinyarada mujaahidiinta ah wax baa laga dili jiray mar marna ayaga ayaa cadawga ka il heli jiray.

Dawladdii Cabdi Qaasim waa la baddalay, waxaa madaxweyne loosoo doortay Cabdillaahi Yuusuf. Dagaal hoosaadkii Xamar waa sii kululaaday. Cabdillaahi Yuusuf inuu Xamar tago wuu diiday. Waxaa billawday khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyey xubnihii dawladdii Cabdillaahi Yuusuf. Hoggaamiye-kooxeedkii dagaalka hoose kula jiray dhalinyarada waxay isku baddaleen wasiirro kamid ah dawladdii Cabdillaahi Yuusuf.

Waxaa mar labaad dib usoo bidhaamay Maxaakimtii Islaamiga ahayd, Maxaakimtana waxay ku salaysan yihiin qabiil, qabiil walbaana waxa uu samaystay Maxkamad Islaami ah oo u istaagta danaha qabiilka, oday-dhaqameedyadii hoggaaminaysay qabiilka waxay ogaadeen in hoggaamiye-kooxeedkoodu uusan qabiilka wax aan dhib ahayn u keenayn, sidaas daraaddeed wiilashoodii waxay ku biiriyeen Maxaakimtii si shareecada Islaamka loogu kala baxo.

Maxaakimtii waxay ku fideen magaalada Muqdisho, xaafad walbaana waxaa laga hirgaliyey Maxkamad Islaami ah oo wadata magaca qabiilka, Dhalinyaradii shareeca-doonka ahaa waxay ku biireen Maxaakimtaas Islaamiga ah ee huwan magaca qabiilka, waxay dawr weyn ku lahaayeen habdhiska ciidan ee Maxkamadahaas, waxay fulinayeen hawlaha aan ciidanaka looga maarmin ee ay Maxkamaddu u baahan tahay.

Waxaa cirka iksu shareeray cabdisii ay reer Galbeedku ka qabeen Maxkamadaha Islaamiga ah oo ay hoosta uga naban yihiin dhalinyarada shareeco-doonka ah, Maxkamadihiina dhankooda waxay billaabeen inay isnidaamiyaan.

Markii uu sii kululaaday ugaarsigii ka dhexeeyey dhalinyaradii mujaahidiinta ahaa iyo sirdoonka Tigreega iyo reer Galbeedka oo ay wakiil u yihiin hoggaamiye-kooxeedyadu ayey ururkii Ictisaamku waxay si cad bari uga noqdeen dhalinyaradii, shirar ayey iskugu yimaadeen waxayna soo saareen baaqyo ay ku sheegayaan inaysan dhalinyaradu ayaga ka amarqaadan hoosna imaan.

Ictisaam wuxuu uga gol lahaa arrinkaas inuu iska fogeeyo dagaal hoosaadka Muqdisho ka socda, iyo in reer Galbeedku aysan usoo raacan Ictisaam wixii dhib ah ee loo geysto.

2005tii waxaa midoobay Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee ku salaysnaa qabiilka. Waxaa loo bixiyey Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho, waxaa madax looga dhigay Shariif Shiikh Axmed, waxaana ay yeesheeen hoggaan mid ah oo dhammaantood mideeya.

Waxay billaabeen Maxkamaduhu inay magaalada Muqdisho inta ay ka awoodaan ka sifeeyaan munkaraadka iyo waxyaalaha xun xun, waxay dadkii fareen wanaagga iyo kheyrka in loo tartamo, xumaantana ay ka fogaadaan. Waxaa mararka qaarkood dhici jiray isku dhacyo kooban oo dhex mara Maxaakimta iyo hoggaamiye-kooxeedyada, halka dhanka kalena uu taagnaa khilaaf weyn oo u dhexeeya hoggaamiye-kooxeedyadaan wasiirrada noqday iyo madaxweynahooda Cabdillaahi Yuusuf, khilaafkaas oo sababay inay laba qaybood ukala jabaan oo qaybina Xamar saldhig ka dhigato qaybna Jawhar ay dagaan.

Dagaal hoosaadkii ayaa sii kululaaday, waxaana bannaanka usoo baxday khatarta ka imaan karta Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee doonaya inay shacabka Soomaaliyeed ka saaraan dhibka iyo mashaakillada haystay shacabkaan muddada dheer.

Illaa laga soo gaaray 18kii Febraayo 2006dii maxaa dhacay? Maxaa isbaddalay? Maxaa soo cusboonaaday?

Waxayna uga hadli doonnaa inshaa Allaahu qormada dambe.

Qeybta 40aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 40aad. Ikhwaanii waxaan kala tagnay aniga oo la ballansan Shiikh Cabdisalaam Cismaan Cabdisalaam. Shiikha horay ayaan isku aragnay oo waxaan wada joognay jihaadkii ka socday Soomaali Galbeed waana anigii kasoo sheekeeyey inkastoo rag igu maageen, haddana wuxuu ahaa saaxiibkay ama walaalkay fil Islaam. Shiikhu waa nin bashaash ah. Markuu kuu sheekaynayo wuxuu ku deeqsiinayaa warka uu doonayo inuu kaa dhaadhaco.

Wuxuu leeyahay dagganaan ama miisaan. Ma ahan dadka sida macnadarrada ah iskaga hadla. Walaalka waxaan is barannay 1995tii. Wuxuu iila ekaa nin kusoo koray ama ka tirsanaa qoys madax ah ama dad la qaddariyo. Anigu ma aqoon mana waydiin meeshuu kasoo jeedo laakiin markaan ka ilbuuxsaday saasuu iila ekaaday.

Ayaamihii aan ka warramayay jihaadka Soomaali Galbeed oo uu markaas saaxada amiir ka ahaa ayaa waxaan khabarkiisa ka helay walaalihii ku taxnaa maqaalka. Khayr Alla ha siiyee nin baa wuxuu sheegay inay qaraabo ahaayeen Shiikha iyo Maxamed Siyaad Barre. Waxaa wada dhalay laba qof oo walaalo ah, waa ilma-abti iyo ilma-eeddo. Marka shiikhu waa rooyal famili ama reer macruuf ah ayuu ka dhashay.

Kuma faaninayo inuu la dhashay Ina Siyaad Barre laakiin waa walaalkii. Wax uun baad xushlaysaan sidii xaasidkoo kalaye! Shiikhu waa nin aan isku sir qarsan jirnay illaa xad ama isa sheeko naqaannay. Meel buu ifariisiyay, wuu ii warramay. Wuxuu ii sheegay waxa ka dhacay mujaahidiinta dhexdeedii iyo meesha siyaasaddu marayso (jihaadka).

Ugu dambayn Shiikhu wuxuu igula taliyay in aanan waqti dambe isaga lumin jihaadkii laga waday dhulka Soomaali Galbeed ee Itoobiya gumaysato. Sababtuna waxay tahay sidaas iyo sidaas. Wuxuu igu dul akhriyay waxyaabo badan oo aan shaki ka qabay laakiin aanan caddayn u hayn. Wuxuu faraqa iigu shubay quus uu ka taagan yahay libin laga gaaro jihaadka hadda socda ayadoon wax is baddalin, ama siyaasadda hadda jirta.

Shiikhu wuxuu ahaa ragga ugu waqtiga dheeraa amiirnimada ama qabashada hoggaanka jihaadka ka socday Soomaali Galbeed. Wuxuu ahaa dadka ugu dhaw in laga runsheego in gaalada la iska dhiciyo. Ilaahay baa xaqiiqda og. Wuxuu ii sheegay shiikhu inuu hadda rabo inuu bal xoogow soo nasto oo wuxuu u socday waddammadaas Afrika waddan kamid ah. Waxaa i galay waswaas ama shaki aan caadi ahayn.

Ma beenin Shiikha hadalkiisii laakiin waxaan go’aansaday inaan indhahayga kusoo arko waxa meesha ka dhacay iyo isbaddalku intuu le’egyahay. Waxaan galay safar dheer oo aan ka billaabay Xamar oo aan rabo inaan ku tago ilaa Soomaali Galbeed.

Waxaan ka baxay magaalada Xamar, waxaan maray waddada isku xirta Muqdisho iyo Gaalkacyo. Waddada laba dhibaato oo aad u xun ayay leedahay. Mid waa cabsi oo ku badbaadi maysid maritaankeeda oo tuugo iyo mooryaan ayaa boqolkii tallaababa waxaa u yaalla isbaaro. Dhibaatada labaad waxay tahay jidka oo aad u burbursan oo waxaa saacado dhan la soconayaa meel dhawaaq lala gaaro. Waxaan sii marnay waddadaas dhibka badan. Anoo nabadqaba ayaan tagay Gaalkacyo. Ilaahay baa ku mahadsan awal iyo aakhirba. Waxaan dagay hoteel, waan nastay, waxaan soo istaagay hoteelka bannaankiisii si aan magaalada u indha-indheeyo.

Waxaan si lama filaan ah indhaha isugu dhufannay shahiid inshaa Allaahu Mucalim Aadam Xaashi Cayrow. Kama filayn meesha inaan ku arko asna igama filayn meesha. Waxaa iigu dambaysay muddo, laakiin wuxuu ahaa nin aan meel kuwada noolaan jirnay oo aan si aad ah isku naqaannay.

Mucalim Aadam Xaashi Cayrow wuxuu ahaa raggii markii la burburiyay imaaradihii Islaamiga ahaa go’aanka gaaray. Wuxuu go’aansaday inuu wuxuu qaban karo qabto. Wuxuu aaday waddammo dibadda ka ah Soomaaliya. Wuxuu soo qaatay tacliim waxtar u leh dhismaha dawlad Islaami ah. Wuxuu soo arkay shucuub baraarugsan oo ku mashquulsan siday u dhisi lahayd dawlad Islaami ah.

Wuxuu kusoo laabtay waddanka Soomaaliya asagoo casharro soo qaatay. Wuxuu billaabay inuu Soomaaliya ku dhexfidiyo fikirkii uu qabay ee ahaa in la raadiyo dhisme dawlad Islaami ah.

Waa nin caynkee ah Mucalim Aadam Xaashi Cayrow? Qofkii hadalkaan maqlaase sidee buu u arkaa hadalkaan (raadinta dhismaha dawlad Islaami ah)? Aan ku horrayno shakhsiyadda Shiikha ama Mucalimka.

Shiikhu ama shahiidku inshaa Allaahu, wuxuu ku dhashay aagga Dhuusamareeb. Wuxuu ahaa nin aad u da’ yar. Wuxuu ku barbaaray isla gobolka Mudug. Wuxuu ahaa sida la ii sheegay arday Qur’aanka ka xifdiyey Shiikh Xasan Daahir Aways ama wuxuu u yimid asagoo Qur’aanka yaqaan markaasaa shiikhuna mar labaad u naqtiimay. Wallaahu Aclam. Ninkii taariikhdaas oo sax ah hayaa hanoo faa’iideeyo.

Mucalim Aadam Xaashi Cayrow wuxuu ahaa nin aad u dhuuban, caato ah, laakiin itaal dheerna wuu lahaa. Wuxuu lahaa aragti aan dadka da’diisa ah lahayn. Wuxuu ku fakarayay wax qofkii maqlaa xilligaas qariib la noqonayay. Wuxuu kamid ahaa afraadda aasaastay dawladda Islaamiga ah ee maanta ka talinaysa koonfurta Soomaaliya.

Ma xuma qofku inuu hawl billaabo oo looga daydo. Layaab malahan in qofku fikrad cusub keeno, waxaa layaab noqonaysa in Shiikh Aadam Xaashi Cayrow ku fakaray asaga iyo saaxiibbadiis arrin caalamka Muslimiinta oo dhan ay ka caajiseen ama quus ka muujiyeen. Wuxuu u bareeray arrin caalamka gaalnimada ku dhaqmaa ay meel ugasoo wada jeedaan la dagaallankeeda ama dabargoynteeda.

Wuxuu la yimid go’aan ah inuu gaaro wuxuu ku fakarayo ee ah inuu dawlad Islaami ah dhiso ama uu dhinto asagoo raacdadeeda ku jira ama raadinteeda. Jazaahullaahu khayral jazaa ayaan leennahay. Wuxuu furay albaab xirnaa muddo dhawr boqol oo sano ah. Wuxuu ku dhiirraday meel ay ka baqeen dadkii asaga ka horreeyay.

Waxaan leennahay ma aadan dhiman inshaa Allaahu tacaalaa ee waxaad tahay qof Alle dartiis loo dilay oo shahiid ah. Waxaan leennahay kuwa nool oo waddadiisii haya wixii Ilaahay ku yiri Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam).

Aan kusoo laabanno kulankayagii iyo wuxuu ku dhammaaday. Mucalim Xaashi markaan u warramay ugana sheekeeyey waxaan doonayo iyo meeshaan u socdo ayuu wuxuu isoo hordhigay fikradduu watay oo ahayd dhismaha dawlad Islaam ah. Aad baan u qariibsaday, dood baa na dhexmartay. Waxaan daldalay wixii Al-Itixaad daldali jireen. Waxaan iri ka warran taas. Ka warran taas? Waxaan sii daayey shubho iyo abaadiil horay la iigu shubay, waxaan ku sigtay inaan caajisgaliyo wadaadkaas xaqdoonka ah.

Shiikhu wuxuu meel dhaw iga tusay arrin soo afjartay dooddayadii. Wuxuu yiri ina hebelow ma igu raacsan tahay inay wanaagsan tahay in la helo dawlad Islaami ah? Waxaan iri haa. Wuxuu yiri diyaar ma tahay? Waxaan iri haa. Wuxuu yiri waxaan u socdaa Hargaysa. Waxaa ka dhici doona shir weyn oo ay kasoo qaybgali doonaan odayaashii Al-Itixaad iyo dhalinyaro aan ku ballannay meesha oo fikirkaan qaba.

Waxaa kaloo imaan doona shirka Shiikh Xasan Daahir Aways. Shiikha fikirkaan ayaan wada qabnaa. Wuxuu ka yimid meel hebla. Wuxuu haystaa Shiikh Aadan kalsooni xagga Rabbi ah. Wuxuu kaloo haystaa kalsooni uu ka haysto Muslimiinta u gargaarta fikirkaan Islaamiga ah ama soo-noolaynta khilaafo Islaami ah. Waxaa inoo ballan ah Hargaysa iyo maalin hebla inshaa Alaah.

Waan kala tagnay aniga iyo Mucalin Aadam taqabbalahu-llaahu. Waxaan u qasday inaan shirkaas tago. Waxaan gaaray Burco. Waxaan kula kulmay raggii qasadkaygu ahaa markii hore rag kamid ah. Waxaan galnay taariikh iyo sheeko dheer. Waxaan ka waraystay musiibada ka dhacday meesha oo uu ii sheegay Shiikh Cabdisalaam Cismaan Cabdisalaam oo aan Xamar kusoo arkay.

Xog badan oo aanan hayn ayaa la isiiyay. Waxaa ii caddaatay in sufuufta lagu dhexjiro. Waxaa i galay niyadjab wayn. Waxaa la ii sheegay nin hadda ka hor aan kusoo marnay qormooyinkii hore oo la oran jiray Abuu Basiira iyo koox uu wataa inay meel taagan yihiin. Abuu Basiira waxaa la socda nin kale oo la yiraahdo Axmed Nuur oo reer Jigjigo ah. Waxay samaysteen taageerayaal. Hadba waxaan dhahaa nin hebelna ka warrama, raggii aan islahaa Islaamkay waxtar u yihiin, markaasaa la idhahaa koox buu la kacay asna.

Waxaan waydiiyay ninkii dhaqaalaha dibadda u qaabilsanaa oo fadhigiisu ahaa Sucuudiga. Ninkaas magaciisu wuxuu ahaa Muxamed Wali. Waxaa la yiri asagiina koox buu samaystay oo dhaqaalihii oo dhan way la goosteen ama mujaahidiinta way u diideen inay shilin siiyaan. Waxa ii warramayaa waa nin markii horana wargal ahaa ciidanka dhan sirtiisana hayay oo waa taarwalahayagii khayrka qabay. Waa Shiikh Xasan Barkhadle. Wuxuu ii sheegay hadal aanan waraaqdaan kusoo koobi karin.

Haddaad xasuusataan markaan Xamar joogay waxaa ii warramay amiirkii saaxada dhan ka talinayay oo kasoo insixaabay furintii. Wuxuu ii muujiyay quus inta ay maamulka hayaan reer hebel iyo hebel iyo hebel iyo hebel. Waxaan yaqiinsaday in khalal wayn uu jiro oo xagga siyaasadda ah iyo mid daqiiq ah oo aan si fudud lagu garan karin. Siyaasiyan waxaa na xukumay Al-Itixaad oo aan soo marnay dhaqanxumada siyaasaddooda oo aan la garanayn waxay rabaan.

Waxaa daqiiq ah oo qarsoon ragga madaxda ah oo ciidamada xukumaa waxaa ka buuxa jawaasiis. Waxay fashilinayaan wax alla wixi wanaag ah oo mujaahidiintu gaaraan. Waxaa la laayaa ragga waxtarka ah oo dagaal kasta oo dhaca waxaa dhinta ninka madaxda ah ama geesigii ciidanka ku dhex jira oo gaalada gumaada iyo qaari’ul Qur’aanka. Waxaa na dultaagan oo meel aan ka galno waynay diyaaradaha wax basaasa. Waxaa na dultaagan Tigreegii annagoo dhul hawd ah joogna oo aan qofkii gala la ogaan karin meeshuu ku sugan yahay.

Aan kusoo laabanno Burco. Markaan warbixintaas dhammaystiran helay, waxaan baddalay qorshahaygii ahaa inaan tago saaxada. Waxaan go’aansaday inaan tago shirka ka dhici doona Hargaysa maalin hebla. Shirkaas waxaa isugu imaanaya tayaarkii la dhihi jiray Al-Itixaad oo kooxo u kala jajabay.

Koox waa kii soo-jireenka ahaa ama taliskii sida odayaasha iyo xog-hayntooda. Koox waxaa noqday qolada hubka wali haysata sida Soomaali Galbeed oo kale. Waxaa samaysmay kooxo dhalinyaro u badan oo aan ka ag fogayn odayaasha Al-Itixaad laakiin ku mashquulsan ganacsi, maqaallo-qoris, waxbarasho-raadin iyo wixi la mida. Kooxdaan waxaa kamid ah Axmed Cabdisamad, Abuu Xasaan, Jaamac Cabdullaahi, Caydiid Faarax Muxamed Xirsi (Abuu Cubayda) iyo rag farabadan oo taageerayaal u ah odayaasha.

Waxaa jira kooxo kale oo samaysmay, oo ayaguna shirka imaandoona. Waxaa madax u ah Shiikh Xasan Daahir Aways. Waxaa kamid ah Aadam Xaashi Cayrow, Muxyaddiin, Shiikh Axmed Godane, Shiikh Maxamed Maxamuud Nuur, Shiikh Saylici, Shiikh Fu’aad Shongoole iyo taageerayaashooda. Koox walbaayi waxay rabtaa inay hirgasho siyaasaddoodu. Haykalka guud waxaa laga yahay Al-Itixaad, intaas oo kooxoodna waa loo kala jajaban yahay. Allaahumma sallim, sallim.

Shirkii wuu billawday waxaana kasoo baxay qodobo aan dhammaystirnayn oo la yiri Xamar halagu falanqeeyo. Waxaa hordhac loosii qaatay fikirkii ay soo jeediyeen Shiikh Xasan Daahir Aways iyo taageerayaashiisu. Lama rabin fikirkaas lagumana qanacsanayn waxaana ka muuqday odayaasha taxaddar aad u sarreeya.

Waxaa lagu qancinayay dhalinyarada oo markii warkoodii meel laga maro la waayay ama xujadoodii ayaa la yiri bal waataas hawshiiye wada adinku. Waxay u egtahay hooyoo ku go’. Xamarna shir dambe hala isugu yimaado. Shirkiina sidaas ayuu ku xirmay. Shirka iima suuroobin tagistiisii oo waxaan kusoo laabtay Xamar. Waxaase ii warramay goobjooge.

Muddo kadib shir wayn ayaa ka dhacay Xamar. Ma joogin shirkaas la iigamana warramin wixii kasoo baxay. Waxaan filayaa inuu ahaa shirkii ugu dambeeyay oo dhexmara kooxihii kala fikirka ahaa ee Al-Itixaad. Shiikh Xasan Daahir iyo taageerayaashiisii waxay rabeen in la sameeyo isticdaad ama tababbarro ciidan, Itixaadna waa ku diiddanaa arrintaas. Waxay Xamar ka billaabeen reer Aways tababbarro qarsoodi ah oo rag mujaahidiin ah lagusoo saaro.

Yaa maal galinayay tababbarradaas? Anigu intaan ka ogahay waxaa la samayn jiray, nin walbaa asagaa la imaan jiray dhaqaalihiisa muddada uu tababbarka ku jiro. Qorigiisa asagaa gadan jiray, raashinkiisa asagaa diyaarsan jiray, dharkiisa asagaa la imaan jiray, wixii la helo oo dhaqaale ah waa la isku darsan jiray. Magaalada gudaheeda ayaa casharrada lagu qaadan jiray, wixii camali ahna dibaddaa loola bixi jiray oo waxaa lagusoo dabridi jiray dhankaas iyo Afgooye ama Wanlawayn xaggeeda.

Waxaa ogaaday arrintaas odayaashii Al-Itixaad. Barnaamijku taladooda kuma socdo, dhaqaale kuma bixiyaan, wax lagama waydiiyo. Ma xalaal baa mise waa xaaraan lama weydiiyo, kaalaya arka waxaan samaynayno lama oran. Waxaa ogaaday ayaguna arrintaan Tiscatu Rahdin raggii la baxay ama sagaalkii nin. Sagaalkaas nin waxay xoog ku haystaan beerihii dadwaynaha Soomaaliyeed lahaan jireen oo aseendooyinka ahaa.

Dhalinyaradu waxay dabridka kusoo sameeyaan waa beeraha dhexdooda. Markay soo dabridayaan aad bay isu hubeeyaan oo waxaa is raaca koox hubaysan. Mujrimiintii ayay marna xagga usii maraan marna xagga usoo maraan. Far kumasoo fiiqi karaan mujrimiintu xagga mujaahidiinta. Sababtu maxay tahay looga baqayo mujaahidiinta? Sababtu waa sasdex arrimood:

  1. Waxaa caado ah in qofkii Ilaahay u shaqaynaya Ilaahay siinayo haybad iyo argaggaxgalin dadka quluubtooda uu ku ridayo.
  2. Waxay ahaayeen koox aad u hubaysan oo aan lagusoo dhiirran karin dagaalkooda.
  3. Shaarkay qabeen waxaa dusha uga qornaa Hawiye, Habargidir, Cayr, reer Ayaanle iyo wixi la mida.

Miyaad hilmaanteen shaarkii uu tolan jiray hadda ka hor halyey Shiikh Xasan Daahir Aways? Shaarka Sheekh Xasan iyo ciidammadiisu qabaan waxaa dusha uga qornaa qabiil, laakiin waxaa hoosta uga xardhanaa kalimatu Laa ilaaha ilallaahu (Tawxiid). Awliyadu habeenkii bay is aragtaa! Shabaabka iyo mujrimiintu waa is ogyihiin. Dadka shacabka ah ama mooryaanta midna waxa dhacaya waxba kama oga oo waxay u qabaan wadaaddadu inay yihiin Hawiye qabiilka u shaqaynaya, arrintuna sidaas waa ka duwanayd.

Waxaa horumar wayn gaaray tababbarradii waqti yar gudihiis. Waxaa soo muuqatay cudud ciidan oo aan la dhayalsan karin. Waxaa yimid muhaajiriin maal iyo maskaxba ku raran. Waxaa lasoo dhexgali waayay ama sir laga waayay waxa meesha ka socda iyo meeshay salka ku hayaan in la ogaado. Awalba Al-Itixaad baa sirta bixin jiray ayagiina albaabkaa laga xirtay markaasaa waxaa ka dhacday waryaa nooga soo warrama ragga. Arrintaasi waxay dhibtay saddex qolo:

  1. Gaaladii asalka ahayd.
  2. Gaalaraacyadii ayaga u shaqaynayay ama ku raacay gaalnimada.
  3. Ururkii Al-Itixaad odayaashiisii oo albaabka laga xirtay.

Su’aal: Maxaa odayaasha looga xirtay albaabka soo culumadeennii ma ahan intaas aan isla soo soconnay ama nasoo hoggaaminaysay?

Dhibsashadii Al-Itixaad ay Dhibsadeen Isticdaadkii

Waxaad dib u fiirisaan ama haddaad xasuusataan qormada saddexaad waxaan ku sheegay su’aal ku saabsanayd culumada. Waxay ahayd su’aashu: Ma run baa in culumada wax laga maqli waayay? Maxayse tahay waxa laga maqli waayay? Qofkii qormooyinkaan la socday oo il caddaalad ah ku fiiriyaa wuxuu ogaanayaa inta gaboodfal loo gaystay ducaaddii Ilaahay dartiis u shaqaynaysay, inta dawlad Islaam ah lakala diray, inta nin door nalaga dilay, inta jaasuus nagu dhexjirtay oo madax noosoo noqotay.

Miyeysan habboonayn ama la gaarin waqtigii khayaamadu dhammaatay? Miyaysan habboonayn in dadkaan Muslimiinta ah oo maalin walba gaalada loo gacangalinayo la daba qabto? Miyaysan gaarin waqtigii odayaasha Al-Itixaad lagu oran lahaa diidnay inaan hubka dhigno, diidnay inaad madax noo noqotaan adinkoon jihaadka daacad ka ahayn, diidnay inaad inta dagaal na galisaan markaad nagu dhammaysaan haddana nagu eedaysaan khayaamadaad samayseen adinku, diidnay inaan murtad ka amarqaadanno ama uu madaxwayne noo noqdo, diidnay inaan noolaanno oo hoteello ku raaxaysanno ayadoo Muslimiintii lagu gumaadayo daafaha adduunka, diidnay inaan ajnabi ku sheegno muhaajir Muslim ah, diidnay inaan gaalo muslixiin ku sheegno, diidnay inaan mu’miniinta mufsidiin ku sheegno, waxaan diidnay maanta laga billaabo inaan ka amarqaadanno odayaashii Al-Itixaad intay jihaadka bannaanka ka taagan yihiin oo aysan hal maalin dhufayska iyo siduu u eghayay soo booqan?

Ikhwaanii diidmadaan hadda billaabatay ma wayna oo waxay ku saabsan tahay tababbarka ciidanka. Waxaa odayaasha laga diiday oo kaliya isticdaadkaan ama tababbarkaan hadda aan wadno. Waxay wali noo yihiin madax iyo culumo intaba.

Waxaan gaari doonnaa meeshii lagu kala tagay iyo goortay baxday magaca Shabaab Al-Mujaahidiin. Intaani waa hordhac iyo billawgii baraarugga golaha Islaamka Geeska Afrika.

Dhibsashadii Gaaladu Dhibsatay Isticdaadkii

Qolada labaad oo isticdaadku dhibay waxay ahayd gaaladi asalka ahayd, Maraykan iyo xulufadiisii. Waxay ku shaqaysan jireen afraad ay ku dhex darsadeen Islaamka. Markii la adkeeyay sirtii baxaysay oo lasoo dhexgali waayay goobtii hawshu ka socotay ayay indhabeeleen oo waxay waayeen riboodkii joogtada ahaa ee ay heli jireen habeen iyo maalinba. Waxay isku dayeen inay xoog ku muquuniyaan ama la baabbi’iyo shucladdaan soo muuqatay ama iftiinkaan Islaam-raadiska ah.

Waxay sameeyeen daraaso dhammaystiran intaysan tallaabo qaadin siday la ahayd ayaga. Waxay la tashadeen jawaasiistoodii, waxay rogrogeen qaabka looga takhallusi karo wadaaddadaan curdanka ah oo jihaad-doonka ah. Waxay samaysteen sagaalkii nin oo aad ogaydeen inay Xamar isku bahaysteen la-dagaalanka Islaamka.

Waxaa maalgaliyay Sii.Ay.Ee-da Maraykanka. Waxaa ka qaybqaadanayay boqollaal kun oo Soomaali ah ama dhuuniqaatayaal ah. Qaar waa la yaqaannay qaarna Ilaahay bay u xisaabsan yihiin oo abaalmarin doona maalinka Qiyaame adduunkana waa lagula xisaabtami inshaa Allaahu tacaalaa.

Dhibsashadii Sagaalkii Nin ay Dhibsadeen Isticdaadkii

Nimankaan hoggaamiye-kooxeedka ahaa waxay xoog ku haystaan hantidii ummadda Soomaaliyeed. Waxay ka ganacsadaan dhiigga ummadda. Waxay jawaasiis u yihiin gaalada. Waxay ka shaqeeyaan shaqooyin qarsoon oo ay gaalada u hayaan. Waxaa ka mid ah shaqaday hayaan: In aan waddanku dagin ama la helin xasillooni, inaan Muslimiintu xoog ku yeelan waddanka dhexdiisa, inaan shacabka iyo ducaaddu is fahmin ama ay suuro xumeeyaan wadaad kasta oo ay u arkaan mid waxtar ah.

Waxay ka baqayaan haddii wadaaddadu sameeyaan maamul ayaga taabacsan ama maamul Islaami ah in la waydiiyo ama laga qaado hantiday xoogga ku haystaan. Waxay dadaal badan ku bixiyeen in si dhaqso ah looga hortago waxay ku tilmaameen Irhaabka kasoo bidhaamay Geeska Afrika (khilaafo Islaami ah). Waxay walaalahood Maraykan u gudbiyeen khatarta ka jirta Xamar iyo agagaarkeeda. Waxay geeyeen xog dhammaystiran siday ayaga la ahayd oo ay ka heleen mujaahidiintii isticdaadka ku jirtay.

Waxaa shiray kooxihii isticdaadku dhibka ku hayay. Way wada hadleen mase naqaan waxay ku wada hadleen. Waxay isku raaceen la-dagaallanka qolada khilaafo-Islaam-raadiska ah ama shareeco Islaam ku-dhaqanka ama mujaahidiintii isticdaadka ku jirtay. Waxaa caqabad ku noqotay qaabkii looga takhallusi lahaa, maxaa yeelay lama yaqaan meel ay daggan yihiin, malahan xeryo ay ku xeraysan yihiin. Waxay kulmaan waqti ay ballamaan, waxay ku kulmaan meel ay ayagu kaligood ogyihiin. Waxay qabtaan hawl waqti yar lagusoo gabagabeeyo waana kala tagaan (Shabaabka).

Tababbarka waxaa dhinac socda maxkamadihii oo maalin walba waxaa la sameeyaa maxkamad hor leh oo reer hebel samaysteen. Maxkamadda waxaa ciidan u ah mooryaantii reer hebel. Dadku waa dad Muslimiin ah. Waa la wacdiyaa waxaa la dhahaa waxaad tihiin ciidan Muslimiin ah.

Magaciina waxaa la dhahaa maxkamaddii reer hebel ama adinkaa iska leh maxkamaddaan oo reerka ayaa lagu difaacayaa. Casharraa loo billaabay tawxiid ah, xagga diinta ayaa laga dhisay, xagga tababbarka ciidanka ayaa laga dhisay. Wixii loo diro ayuu si niyadsami ah ku qabtaa askarigaasi.

Markii la helay qabiilooyin farabadan oo qolo walbaa samaysatay maxkamad ayaga u gooni ah ayaa la hordhigay fakar ah aan isku darno maxkamadahaan isku ujeeddada ah, aan u samaysanno maamul midaysan. Waxaa la mideeyay maxkamadihii intii la awooday. Waxaa loo sameeyay maamul mid ah. Waxay gashadeen kulligood shaarkii Shiikh Xasan Daahir Aways. Shaarka ha illaawina naqshaddiisu qaabkay ahayd! Awliyadu habeenkii ayey is aragtaa!

Gaaladii iyo gaalaraacyadii way ogyihiin maxkamadaha iyo ujeeddadooda. Waxay ogyihiin shaarka Shiikh Xasan Daahir oo kor ay kaga qoran tahay qabiilka hoosna Tawxiidku kaga xardhan yahay. Waxaa ka warqaba arrintaas jawaasiista gaalada la shaqaysa oo ayagaa gudbiya ujeeddada qarsoon oo shiikhu leeyahay illayn gaalo waxba ma ogee haddaan gaal-jecle u warramin.

Gaalo waxay ogaatay tayaarkaan xawliga ku socda oo soo baxaya oo Islaam-raadiska ah. Ciday weerarto oo muuqatana lama hayo. Hadday maxkamadaha weeraraan Soomaali ayaa kici oo dhihi maxaa maxkamaddayada laga rabaa oo loo weeraray. Ciidan kale oo meel ku uruursanna waa la waayay. Waxaa la qaatay go’aamo wax ku ool u noqday gaaladii iyo gaaloraacyadii oo lagu burburiyo iftiinkii soo baxayay ama maxkamadihii Islaamiga ahaa.

Waxaa la burburiyay maxkamadihii ayadoo aan weerar ciidan lagusoo qaadin. Waxaa lagu burburiyay gacmaha culumadii haysay maamulka maxakamadihii. Waxaa la adeegsaday oo burburka ka qaybqaatay wadaaddo jawaasiis ahaa iyo kuwo waxba aan ogayn oo immaca ahaa ama kuwa la yiraahdo haye dheh. Waxaa loo adeegsaday culumadii ugu waawaynayd Al-Itixaad oo aan u kala harin mid Ilaahay u naxariistay mooyee. Waxaa la khalday oo been loo sheegay Shiikh Shariif Cabdinuur.

Waxaa lagu yiri Shiikh Shariif Cabdinuur, “Waxaa dhalatay dawlad Islaami ah (dawladdii Carta). Waxaad ku ayiddaa oo aad soo saartaa fatwo aad ku xalaalaynayso inay bannaantahay in la adeeco.” Shiikhu xafidahullaahu marka fatwo la waydiiyo wuxuu leeyahay hadal aan meel laga maro lahayn oo xujo ku ah qofka wax waydiinaya. Wuxuu yiraahdaa hadday run tahay saad sheegayso arrintu waa saas iyo saas. Al-Itixaadow ma run baad sheegayseen?

Ilaahow ma runtiisaa Mucalim Haylaan adaa oge? Waa sheeko bari dhacday oo uu sameeyay nin la dhihi jiray Mucalim Haylaan. Mucalimku wuu sheekeeyaa wuxuu sheegayana waxay u egyihiin wax been ah. Been baad sheegaysaana lama dhihi karo oo waa macalimkii reerka. Nin meesha fadhiyay ayaa inta ka shakiyay warkiisa wuxuu yiri Ilaahow adaa og Mucalim Haylaan wuxuu sheegayo ee ma runtiisaa?

Idinka sheekayn maayo wixii ka dhacay Jabuuti. Waxaa loo sameeyay telefishin aan la damin jirin oo laga daawan jiray toos ayadoo ah. Waxaa isugu tagay xubnihii ugu sarreeyay Al-Itixaad. Waxaa tiifiiga ka muuqan jiray ayagoo loo heesayo ama loo sacbinayo. Waxay tiifiiga horfadhiyeen ama shirka dhexdiisa fadhiyeen ayadoo Ilaahay iyo diintiisa lagu jeesjeesayo. Waad xasuusataan Shiikh Cumar Faaruuq wuxuu ku dhaqmayay. Waxaa u heesaysay shayaadiin ay kamid ahayd Maryan Mursal iyo kooxihii Jabuuti oo ayaguna koox kale keenay meesha oo ahaa xulkii shayaadiinta. Waxaa aad uga dhex muuqday shirka iyo isku dubaridkiisa ducaad caan ka dhex ahayd ururkii Al-Itixaad. Waxaa ka mid ahaa Shiikh Aadam Muxamed Ciise. Shiikhaas waxaan ahaa dadka muxaadarooyinkiisa dhagaysta. Waxaan jeclaan jiray qaabkuu dacwada u gudanayo iyo xikmaddu adeegsanayo. Shiikh Aadam wixii dawladdii Jabuuti ka dambeeyey gaaladuu raacay oo waa ka dhex baxay bulshadii Muslimiinta ahayd. Wuxuu iska daayay xikmaddii uu adeegsan jiray iyo nusuustii dadka uu ku dul akhrin jiray. Waxay ugu muuqatay inaysan xikmad ahayn wuxuu muddo soo waday. Wuxuu galay baarlamaanka Kanada iyo meelo ka xun. Wuxuu iska baddalay shakligii ama muuqaalkii Islaamka. Wuxuu qaatay dhaqankii gaalada manhajiyan wa suluukiyan intaba.

Wuxuu ahaa xubin sare oo laga jecel yahay Al-Itixaad dhexdeeda. Yaa igu inkirsan Shiikh Aadam Muxamed Ciise inuu kamid ahaa culumada waawayn ee Al-Itixaad? Yaa igu inkirsan inuu saaxada ka baxay oo gaalo isu dhiibay? Ictisaam ma oggolaan doonaan inuu ayaga ka tirsanaa wuxuu samaynayana ay raalli uga yihiin ama xikmad u arkaan.

Dawladdii Carta ee lagu burburiyay Maxkamadihii wax yar ka hor ururkii Al-Itixaad wuxuu baddashay magacii loo yaqaannay ee ahaa Al-Itixaad. Waxay ku baddasheen Ictisaam. Waxay baddaleen manhajkoodii ahaa khilaafo Islaam raadin ama shareeco Islaam raadin. Waxay ku baddasheen manhajkii Ikhwaanul Muslimiin oo ahaa in gaalada iyo Muslimiintu walaallo yihiin oo ay bannaantahay in la isla noolaan karo waxna la wada qabsan karo jihaadkuna xaaraam yahay.

Waxay ka insixaabeen ama ka fogaadeen ayagoo gaalo raalligalinaya ama ka baqaya wax kasta oo jihaad ku tacaluqay. Waxay dacaayad ku billaabeen dhalinyarada ku mashquulsanayd seen ku helnaa khilaafo Islaami ah. Waxay suuro xumeeyeen jihaadkii iyo raggii waday oo waxay dheheen waa juhalo, waa Khawaarij, waa seef-la-bood, waa dhalinyaro iyo wixi la mida! Waxay xikmad u arkeen ama ammaaneen murtaddiintii, gaaladii iyo ururradii diimeed oo inxiraafsanaa sida Suufiyadii, Salafiya Jadiidiya, Ikhwaanul Muslimiin, Aslaax, Aala Sheekh iyo wixi la mida.

Haddaad xasuusataan Maxaakimta labo jeer ayaa la khiyaameeyay ama la burburiyay. Labadaba waxa loo adeegsaday culumada Al-Itixaad. Dhacdadii koowaad waa taan hadda ka sheekaynayo oo ahayd waqtigii Cabdi Qaasim iyo Jabuuti. Waxaan gaari doonnaa burburkii labaad oo ahaa ama billawday markii sagaalkii nin oo Islaamka isu bahaystay Xamar laga xorreeyay. Waad xasuusataan dawladdii Islaamiga ahayd ee Xamar ka dhalatay oo shaqaynaysay lixda bilood oo caamka noqotay iyo waqti intaas ka dheeraa oo aan cidina ka warramin.

Wali ma aannaan kala harin annaga iyo odayaashii Ictisaam. Kaliya waxaan diidnay inaan hubka dhigno tababbarkana dayno, markaan arrintaas samaynayna culumadu waa naga aamuseen oo waxay dheheen bal iska wada hawsha annagu kor ayaan idinka fiirsanaynaa waxaan qaban karnana waan qabanaynaa! Waxaad waddaanna kuma qanacsanin (jihaadka) meel aan idiinka harnana ma jirto. Arrintaas kuma aannaan baraarugin culumadu go’aansatay oo ah inaysan raalli ka ahayn waxaan wadno ama jihaadka, haddana ay nagu dhexjiraan ama taladii wali noo hayaan inteedii badnayd. Lama kala harin wali annana ma aanan baraarugin.

Arrintaan waxaa si fiican u faahfaahinaya shahiid Shiikh Muxyadiin oo ay meel kuwada shahiideen asaga iyo shahiid Shiikh Aadam Xaashi Cayrow, taqabalahumu-llaahu ajmaciin, aamiin. Shiikhu wuxuu ahaa nin xog-ogaal ah oo wuxuu kamid ahaa ragga sida dhabta ah uga warqabay maxkamadaha iyo waxay soo mareen iyo waxay ku dambeeyeen markii dambe. Waxaan gaari doonnaa qaydtii labaad ee Maxkamadaha burburkooda ahaa iyo cidda burburisay oo aan ka fogayn kuwa hadda loo adeegsaday burburkooda.

Waa inoo qormada dambe inshaa Allaahu.

Qeybta 39aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 39aad. Ikhwaanii iga raalli ahaada waxaan in yar dib ugu noqonaynaa qormo aan ka tagnay ama naga dhuumatay. Qormadaasi waxay ka warramaysay dhacdo muhiim ah. Dhacdadu waxay ahayd ama ku saabsanayd dagaalkii Hillaacwayne ee mujaahidiinta iyo gaalada ku dhex maray magaalada Doolow. Qormo gaar ah ayaan ka qoray Dagaalkii Hillaacweyne balse nasiibdarro qormadii oo dhan way iga luntay sidaas daraaddeed ayey lagama maarmaan noqotay in aan dib ugu noqonno.

Akhristayaalow markii ay gaaladu soo weerareen magaalada Buuloxaawo oo ay qabsadeen dadkiina ay laayeen ayay magaaladii ka bexeen. Waxay isugu tageen Doolow oo ahayd dhufayska looga soo duulo ama laga burburiyay imaaradii Islaamiga ahayd. Gaalada waxaa horay u raacay markii horana la socday ciidamadii gaalada u shaqaynayay oo Soomaalida ahaa. Ciidankaasi waxay ka tirsanaayeen ama ka amarqaadanayeen hoggaanka sare ee ciidammada Tigreega.

Waxay fuliyaan ujeeddada ama danaha gaaladu leedahay. Ayaga lama yaqaan ujeeddada ay u dagaallamayaan mana gaaraan dano ay leeyihiin. Ayagu ma garanayaan dantooda. Waxaa danahooda garanaya gaalada oo ku tiraahda hawsha sidaas ah qabta taasna iska daaya idiinma wanaagsanee. Waxay gaaladu uga warrantaa xalaasha iyo xaaraanta. Waxay yiraahdaan arrintaan diintiinnu ma qabto waana xaaraam.

Gaaladu waxay tababbartaa oo casharro diini ah siisaa ciidammada Soomaalida oo ayaga shaqaalaha u ah. Waxay u sheegaan ama ku wacdiyaan dagaalka ay ku jiraan inuu yahay jihaad ay Ilaahay ku raalligalinayaan. Waxay uga digaan kooxaha kale (Shabaab) ee sheeganaya Islaamka ama dagaalka ayaga kalasoo horjeedaa inay yihiin Khawaarij ama kuwo diin khaldan faafinaya. Isu hadal ekaa ayaga iyo Ictisaam!

Gaaladu waxay darbi ka dhigatay oo xabbadda iska xijisaa Soomaalida ciidanka u ah. Ayagaa jaasuus u ah oo soo sheega waxyaabaha qarsoon oo aan gaaladu ogaan karin. Soomaalida ayaa biisha ciidammada Tigreega. Ayagaa arradbixiya oo waxay ku labistaan dharka yaalla bacadlayaasha. Intay soo galaan dukaammada ayay ka qaataan waxay rabaan. Looma diido xaafadaha markay hawlo khaas ah ka leeyihiin. Waxay sameeyaan xumaan iyo dullinnimo midda ugu liidata oo loo gaysto qof Islaam ah. Cidna kuma inkirto xumaanta.

Soomaalidii waxaa la isugu geeyay Doolow Soomaali. Waxaa la yiri waardiye naga haya intaan khamriga iyo doofaarka isla dhacayno. Awalba dan kale lagama lahayn oo waxay ahaayeen darbiga Tigreega ka xigsanaya xabbadda mujaahidiinta. Gaaladii waxay gashay damaashaad iyo dabaaldag, maxaa yeelay waxay ka guulaysteen cadawgoodii koowaad.

Soomaalidu kama qaybqaadan damaashaadkaas lagamana qayb galin. Waxaa loo diray oo kaliya inay waardiye ka hayaan ciidammadaan guulaystay oo damaashaadka ku jira. Ma yaqaannaan waxay u dagaallamayaan. Ma yaqaannaan goorta ay guul gaari doonaan. Ma yaqaannaan cidday ka guulaysanayaan! Waxay isku maaweeliyaan cunitaanka qaadka iyo cabbitaanka khamriga. Waxay ku noolyihiin nolol aad u hoosaysa.

Wadaaddadii waxay galeen diyaargaroow. Waxaa u yimid gurmadyo aad u fara badan. Kismaanyo waxaa ka yimid ciidan gurmad ah oo watay ugu yaraan saddex gaari. Waxaa hoggaaminayay ciidankaas Shiikh Awkax. Xamar waxaa ka yimid ciidan xoog leh. Waxay wateen gaadiid aan yarayn oo gaaraya illaa iyo siddeed gaari. Waxaa laga yimid dibad iyo daakhilba. Gurmadku kala joogsi ma lahayn.

Raggii dibadda ka yimid waxaa kamid ahaa Shiikh Fu’aad Maxamed Khalaf. Waxaa la diyaariyay duullaan lagu qaado isbahaysatada fadhigeedu yahay labada Doolow. Kan Tigreegu fadhiyaan iyo kan Tuuji Amxaaro waardiyaha ka hayso. Waxaa la gaaray waqtigii duullaanka lagu qaadi lahaa gaalada nagusoo gardarrootay iyo murtaddiinta ay ku adeeganayso sidii eygii.

Galab casarkii ayaa lagu ballamay in laga faraxasho balaayadaan lasoo uruuriyay. Waa la isqaybiyay oo qolo walba waxaa la siiyay aag ayaga u gooni ah. Waxaa la isku dhaarsaday guul ama shahaado. Weerarkii baa la qaaday. Alla ma-liibaanooyinkii lagu liibaanay ama gaaladu ku liibaantay waxay u fadhiyaan qaad iyo qurunkii ay Ilaahay daacaddiisii uga bexeen. Isma ay lahayn Al-Itixaad baa dagaal dambe soo qaadaya oo waxay la ahayd inay soo dabargooyeen.

Laakiin say moodayeen arrintu ma ahayn oo waxaa harsanaa rag Ilaahay gacmahoodii ku cadaabay gaaladii iyo murtaddiintii isasoo bahaystay. Doolow ayaa meel kasta lagasoo galay. Waxaa markiiba soo dhex jiiray gaari uu saaran yahay qoriga Seko’u la yiraahdo. Wuxuu ka gudbay buundada ama korkeeduu istaagay. Wuxuu baabbah ka dhigay Amxaaro gaddiga kale ku cambuulaysanaysa ama daafidii ku cunaysa.

Ciidanka weerarka soo qaaday oo Muslimiinta ah nin walbaa yool buu leeyahay. Rag ayaan dan ka lahayn dagaalka wajigiisa hore oo waxaa la siiyay amar ah inay gaalada dhabarjabiyaan. Waxay ka gudbeen wabigii oo waxay u tallaabeen Doolow. Rag baa yoolkoodu yahay inay safka hore dhex jiiraan oo taliska u tagaan si ay madaxda u laayaan ama ay nolol ugu qabtaan.

Rag baa yoolkoodu yahay xaabada safka hore ku jirta inay markiiba ku luqluqdaan oo ka gudbaan si ay u qabsadaan magaalada. Waxaa markiiba dhulka lala simay mooryaantii darbiga u ahayd gaalada. Waxaa laga daadsaday hubkii gaaladu ku amaanaysatay. Waxaa ka dhacday miinanlay cuntaye madaxa u ballaari. Waxaa safka hore ku jiray ciidamo laga keenay gobollada dhexe sida Caabudwaaq oo kale. Birtaa laga aslay oo waxaa loo laayay sidii reer Caad iyo Thamuud. Way galabsadeen, maxaa gaal soo raacshay?

Waxay ku calaacaleen “War Mareexaan reer Mudug ayaan ahay ee ha i dilina,” lagamase dhagaysan calaacalkoodii oo waxaa laga waraabiyay baaruud kulul. Waxaa kamid ahaa ragga maalinkaas calaacalay ee la abaalmariyay Maxamed Carab Falaxfalax. Ninkaasi wuxuu ahaa xubin sare oo ka tirsan taliska Tigreega. Wuxuu ahaa Afhayeenka Tuuji Amxaaro. Reer tolkii waxay dheheen markay maqleen geeridiisii, “Wuxuu ahaa nin wadaad ah oo asagoo masaajid kasoo baxay ayaa la dilay!” Muxuu yahay masaajidka furinta ku yaalla oo Jeneraal Tuke iimaamka ka yahay?

Gabalkii baa dhacay. Waxay wadaaddadu difaac ka galeen buundada agteeda. Waxaa la damcay in buundada la gooyo oo waxaa lagu xiray walxaha qarxa. Ma go’in waxbaase gaaray. Waxaa shaqadoodii qabsaday raggii la yiri dhabarjabin sameeya. Waxaa hoggaaminaya raggaas Shiikh Cumar Aw-Faarax. Waxay gacmaha ula tageen gaaladii Doolow Amxaaro dagganayd. Markiiba waxay ka dhigeen waxay laayaan iyo wax kala cararay. Waxay qabsadeen saldhiggoodii ugu waynaa ee Doolow.

Waxay gubeen wax alla wixii hanti taallay: raashinka, shidaalka, hub iyo hanti farabadan oo aan la qiyaasi karin. Waxaa usoo hiiliyay ama gurmad uga yimid ciidamo dagganaa meel lagu magacaabo Buur Aaminow. Ayagiina bisinkaa loo qabtay oo habeenkii oo dhan ayaa gawda lagu hayay. Waqtigu waa habayn mugdi ah, waa saqdhexe, laakiin waxaad mooddaa maalin cad oo kale, maxaa yeelay waxaa gubanaya shidaalkii, raashinkii, guryihii iyo hantidii magaalada taallay oo gaalada laga gubay.

Waxaa intaas dheer hubka la is waydaarsanayo oo nooc walba leh iftiinkiisa. Madaafiicdu markay dhacayso ama fuusto batrool ah ay qaraxdo ayaad arkaysaa hillaac sidii roobkii oo kale ah. Habeenkii oo dhan ayaa hillaacaasi walacda hayey. Waa meeshuu ka yimid magaca Hillaacwayne ama sababta ay ku baxday. Waxaa laga aargoostay gaaladii oo sidii loo laynayay ayaa gacmihii daaleen mujaahidiintii.

Waxaa soo dhawaaday salaaddii Subax. Wadaaddadu waxay rabeen inay ka aargoostaan gaaladaan isasoo bahaysatay. Waxay rabeen inay daciifiyaan xooggooda milatari. Waxay qorshaysteen markay dhulka la simaan inay ka insixaabaan ama xeel dagaal uga baxan magaalada. Rag baa jiray aysan qorshaha ugu jirin inay dib ugurasho sameeyaan ama sii noolaadaan. Nin magaciisa lagusoo gaabiyay Cabdalla oo Misri ahaa ayaa go’aansaday inuu gaaladana ciidan badan ka laayo asaguna Ilaahay la kulmo.

Waagii markuu baryey ayuu guri meesha ku yaallay galay. Geesi Cabdalle wuxuu wataa qoryaha boobaha ah. Wuxuu sugay gaalo farabadan oo isla socota. Wuxuu helay koox uu is yiri kuwaanaa ugu habboon inaad iska hormariso ama layso. Cabdalla wuxuu hubaa in uusan sii noolaan doonin. Wuxuu rabaa inuu Ilaahay la hortago gacmihiisa oo ka qoyan dhiig uu gaalo kusoo gumaaday. Wuxuu yaqiinsanyahay hadduu sidaan ku geeriyoodo inay waxtar u tahay asaga iyo ehelkiisaba inshaa Allaahu.

Bannaankuu usoo baxay asagoo qorigiisii jeeni qaarsan. Wuxuu ku billaabay xabbaddii gaaladii oo sidii lo’dii u qoodaynaysa. Wuxuu laayay cadad Ilaahay u xisaabsan asaguse uusan u ciilqabin. Muddo hadduu dagaallamayayna waxaa u timid geeri uu kula kulmay Allihii naftiisa lahaa oo uu shaqaalaha u ahaa. Waa shahiiday inshaa Allaahu tacaalaa, taqabbalahu-llaahu, aamiin, aamiin.

Sheeko gaaban oo dhexmartay gaalkii ciidanka watay iyo murtad meesha taagnaa: Gaalkii ciidanka watay ayaa la yaabay ficilka uu sameeyay Shiikh Cabdalla Al-Masri. Wuxuu yiri, “Ninkaan Carbeed maxaa naga dhexeeya oo uu annagana noo laynayaa asaguna naftiisa u halaagayaa?” Murtadkii baa yiri, “Nimanku waxay soo raadsadeen Janno oo waxay aaminsanyihiin hadday gaal dilaan inay Janno galayaan. Haddii gaalku dilana ay Janno galayaan mar walba.” Gaalkii wuxuu yiri, “Haa, waa runtaa oo Al-Itixaad waxay ka runsheegeen jihaadkooda oo waxay ku dagaallamayaan xaq, annaguna waxaan u dagaallamaynaa mabda’ayaga ama Dimuqraaddiyadeenna oo waan ka runsheegnay dagaalkayaga. Adinku waxaad u dagaallamaysaan hunguri oo waxaad ka runsheegteen hungurigiinna.” Gaalkaas ayaa gartay waxay u dagaallamayaan oo wuxuu ogyahay inaysan mabda’ lahayn.

Ikhwaanii dagaalkii Hillaacwayne ma ahan wax waraaq lagusoo koobi karo. Waxaanse hubaa inay mujaahidiintu guul wayn ka gaareen gaaladiina ay gaarsiiyeen dhibaato aysan kasoo kaban karin. Mujaahidiintu waxay dareemeen caafimaad dhan walba ah markay soo burburiyeen dhammaan gaalada ciidammadii iyo dhaqaalaheedii intaba. Ilaahay wuxuu laabqabowsi uga dhigay geeri fara badan oo gaartay isbahaysatadii macatab-ku-dirirka ahayd.

Waxaa shuhadadii kamid ahaa dhammaan walaalihii muhaajiriinta ahaa. Dhanka Soomaalida waxaa kamid ahaa Cumar Aw-Faarax, Cabdullahi Nuur Colujoog iyo rag kale. Waxaa galabnimadii shahiiday nin kamid ahaa walaalihii kasoo gurmaday Xamar. Waxaa magiciisa la dhihi jiray Badal (Habargidir Sacad).

Xalaqadaan waxaan ugu talagalay inaan u gaaryeelo dagaalkii kala-baxa ahaa ee Hillaacweyne, inshaa Allaah qormadeennii taxanaha ahayd waxay noogasii socon doontaa halkeedii.

Qeybta 38aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 38aad. Waxaan kala tagnay annagoo safar u xirxirannay. Waxaan joognaa magaaladii Xamar ahayd oo meel walba la isaga yimid. Waxaa jooga raggii madaxda ka ahaa imaaradii la burburiyay. Waxaa jooga gurmad fara badan oo dibad iyo daakhilba ka yimid oo doonaya inay ku jihaadaan kuffaarta macatab-ku-dirirka ah ee isusoo bahaysatay dabargoynta Muslimiinta.

Waxaa jooga Xamar oo kusoo jabay shacabkii gobolka Gedo. Waa carruur, waa haween, waa dad waayeel ah oo aan xamili karin dagaallada ka dhacaya ama gumaadka ka jira gobolka ee gaaladu ku hayso. Waxaa soo buuxdhaafiyay magaalada wax alle wixii fulay ahaa, munaafiqiin ahaa, murjifiin ahaa. Waxaa markiiba soo cararay kuwo aan waxba hubsan oo u maleeyay in adduunkiiba la rogay oo aan cidina noolaan doonin.

Waxaa safarro dheer ku yimid madaxdii Al-Itixaad oo fadhigeedu ahaa dibadaha sida Dubay, Jabuuti, Nayroobi iyo gobollada dalka. Waxaa magaalada ka socda olole ah in si degdeg ah rogaalcelin loo sameeyo oo gaalada lagu jihaado. Waxaa arrintaas waday dhalinyarada, haweenka iyo dadka waxgaradka ah. Waxaa dadka soo jabay la tacaadufayay oo aad usoo dhaweeyey rag khayr badan oo ducaad ah oo reer Xamar ah.

Al-Itixaad magaalada Xamar wuxuu ku leeyahay xarumo waawayn. Waxaa la dagganyahay guryo dhismayaal qurxan leh oo bartamaha magaalada ku yaalla. Waardiyayaal iridda taagan oo markaad damacdo inaad meesha waxa ka jira soo hubiso kuleh yaad rabtaa? Cuntaa taal nooc kasta ah. Sharaab ayaa yaal kala cayn ah. Fawaakih baa taalla kala dhadhan ah. Maktabado ayaa ku dhex yaalla kutub lagu xardhay. Mukeyf yaa shidan.

Guryahaas markaad soo dhex gasho waxaad dareemaysaa nasiino, ilqabawsi, waxaad dareemaysaa cabsila’aan iyo dagganaansho. Waxaad dareemaysaa inaad ku dhex nooshahay bulsho qani ah. Markaad suuqa u baxdo waxaad dareemaysaa colaad, qax, dhaawac, gaajo, abaabul dagaal iyo dagganaansho la’aan ama cabsi.

Ururkaan Al-Itixaad wuxuu leeyahay hoggaan. Hoggaanka qaarna waxay ka shaqeeyaan oo fadhigoodu yahay dibadda qaarna waxay joogaan waddanka gudihiisa. Waxaad ogtihiin intaan dhibaato iyo dagaallo soo galnay, intii nala jabiyay ama nala khayaameeyay oo ay na khayaameeyeen madaxda ururka. Waxaad ogtihiin waxa nin door nalaga dilay sida xuffaaddii, hoggaamiyayaashii ciidanka, dagaalyahannadii iyo geesiyaashii.

Waxaas geeri dhacaysa wali lagama dhiigayn wadaad cabaayad wayn oo kamid ah madaxda Al-Itixaad. Dadkaas meel kasta lagu gumaado waa ducaaddii waxtarka u ahayd camal kasta oo Islaamka loo qaban lahaa ayagaana madax u ah oo saaxada wadaad kale masoo gali karo. Guuldarra kasta oo dhacdana waxay ku eedeeyaan ducaadda ayaguna waa iska bari yeelaan. Wanaag kasta oo la gaarana ayagaa sheegta oo waxay dhahaan annagaa sabab u ah in wanaaggaan la gaaro!

Tusaale: Markii dhalinyaradu is abaabulaan oo wanaag soo hoyaan ama dagaal haku keenaan ama nabad haku keenaan waxaa yimaada madaxda ururka Al-Itixaad oo talada la wareegta dhalinyaraduna kuma qabsadaan ee waa kusoo dhaweeyaan ilayn ducaad xukun-doon ma ahan ee waa xaqdoon. Gobollada Bari wixii ka dhacay fiiriya, Soomaali Galbeed wixii ka dhacay fiiriya, gobolka Gedo wixii ka dhacay fiiriya. Inta xaaladdu wanaagsan tahay waxaan nahay dad isla shaqaynaya oo muwaxxidiin ah.

Inta nabadda lagu jiro wadaaddada ayaa hawshaan afhayeen u ah. Ayagaa sheegta, ayagaa ku faana, ayagaa nagu amaana inaan nahay ducaad ku dhaqmaysa waddadii Salafu Saalix. Inta nabadda la yahay dhalinyaradu waa rag aqoon leh, ha ahaato aqoon diineed amaba mid kalaba. Dagaallada aan galayno intaan annagu guusha helayno waxaan nahay mujaahidiin. Culamadu waxay nagu gacansiin jireen qaabka aan dadka dacwada u gaarsiinayno wayna nagu amaani jireen.

Marka dacwadu isku duba dhacdo, nabadgalyo la helo, mooryaan iyo gaalo meel la saaro, safarradu meel walba gaaraan, dadku yiraahdo Ilaahay baa ikhwaanka noo keenay, gaalo cabaado, Maraykan qayliyo oo yiraahdo Soomaaliya waxa ka soo socdaa adduunkay khalkhal galinayaan, maalinkaasaa waxaa nagu billawda weerar dibadda ah oo gaalada ka imaanaya iyo weerar ka imaanaya canaasir nagu dhex jirtay oo midab wadaad leh.

Gaalka waan ku talagalnay oo qalab baan u diyaarsannay, waan sugaynay ama waan ogayn inuu cadaw yahay, laakiin Shiikh Fulaan, Akhii Fulaan oo taladaba noo hayay seen isaga ilaalinnaa? Inta badan waxaa na jabinayay kuwa nagu dhex jiray.

Sheeko Gaaban

Bari baa nin Raxanwayn ah wuxuu shukaansaday gabar. Waa la heshiiyay, waxaa go’aan lagu gaaray in caawa la guureeyo inta dadku hurdaan oo dhaqanka Soomaalidu wuxuu ahaa in gabadha iyo wiilka is jeclaadaa ay inta ka dhuuntaan ehelkooda meel fog u doontaan wadaad isku meheriya. Gabadhii waxay tiri hebelow nin kale noo raadi oo na raaca maxaa yeelay carradu waa cabsi badan tahaye.

Wuxuu yiri, “Gabaryahay aqoon baa iigu kaa dhiman. Anigu waxaan ahay nin geesi ah, waxaan soo diyaarsaday wax alla wixii iga dhimanaa oo aan dagaal ku gali lahaa, marka cidna uma baahni ee na dhaqaaji.” Waa la dhaqaaqay, carradu waa hawd, waa habeen mugdi ah, muddo haddii la socday ayaa ninka hoostiisa waxaa ka booday shinbir magaceeda la yiraahdo barbaar-ka-nixis.

Ninkii cagta ayuu wax ka dayey markii ay shinbirtii ka nixisay, muddo hadduu dhirta sii dhex jeexayay ayuu meel ku gabbaday si uu u hubiyo baladaan ku habsatay. Gabadhii ma hayo, waa faramadow yahay, cabsidii ayaa meel kasta ka timid, xoogaa hadduu neef tirtay ayuu maqlay gabadhii u dhawaaqaysa, wuxuu ogaaday in aan balo wayni dhicin mar hadday gabadhii fayowdahay. Gabadhii ayuu u yimid asagoo meel walba qodaxi kaga jaban tahay.

Waxay tiri, “Maxaad beenta iigu sheegtay oo ii tiri geesi baan ahay? Maxaadse taladaydii u diidday haddaadan isku filnayn?” Gar baa ku caddaatay hadduusan garbixinna gabadhu gurigoodii ayay ku noqonaysaa. Ninku nin xun ma ahayn ee shinbir baa gaadday oo meel uusan malaynayn ugasoo boodday. Wuxuu yiri, “Waa runtaa oo anaa ku iri cadaw oo dhan waan isaga filanahay oo waxaan soo diyaarsaday qalabkaygii aan weerar iyo difaacba ku gali jiray. Musiibadu waxay ka dhacday anigu kuma talagalin mana soo qaadan barbaar-ka-nixis qalabkeedii.” Indhuhuu ka galay gabadhii oo wuxuu yiri, “Ma waxaad igu taqaannay nin shinbir ka carara?” Cawrala way garowsatay wixii dhacay markay aragtay ninkaan siduu u hadlayo. Waxay ogaatay inuu ahaa nin fiican oo geesi ah laakiin cidina aysan shinbir ka guul helayn ama la dagaali karin.

Meesha sheekadaani naga khusayso waxaa weeye: Gaalada waan ku talagalnay, waxaan soo diyaarsannay qalabkii aan uga hortagi lahayn. Waxaan laga badbaadayn oo aan la iska ilaalin karin amiirkaagii ama shiikhaagii oo cadaw kuu ah. Tuugo kula taal tabtaada ma waydo. Wanaag kasta oo ducaaddi keento intaan gaaladu soo gaarin waxaa bohol ku rida kuwo Islaamka lagu dhex darsaday.

Markay na jabiyaan oo dadku barakaco oo meeshii lagu jiray laga insixaabo oo ay timaaddo dhimasho iyo dhaawac waxay noo bixiyaan magacyo sida Khawaarij, sufaho, shisheeye iyo fitno. Dib u milicsada wixii dhacay oo dagaallo ahaa. Kulligood Al-Itixaad baa hoggaanka u hayay. Mar kasta oo nalaga guulaystana waa iska bari yeelaan oo waxay dhahaan annagu ma aannaan joogin. Markii rogaalcelin la sameeyo oo guul la gaaro waa joogaan oo ayagaa guusha keenay!

Akhristayaalow aan kusoo laabanno Xamar. Xamar waxaa jooga amiirkii Al-Itixaad. Wuxuu ka yimid oo fadhigiisu yahay Dubay. Dubay waa Dubay. Ninkaan hadda amiirka ka ah ururka waa ninka qabtay waxay qaban waayeen raggii ka horreeyay. Asaga oo ururka hoggaankiisa u sarreeyay, Shiikhaani dadkoo hurduu soo jeeday. Waxaan warbixin ku hayaa inuu kamid ahaa wadaaddo diiddanaa ama wax ka sheegi jiray jihaadkii Afqaanistaan.

Wuxuu baraarugay wadaadkaani mar hore oo wuxuu ka digi jiray inaan qori la qaadan ama la jihaadin. Wuxuu xilkii kala wareegay raggii hawshaan muddo kusoo jiray dhalinyaradiina hubkii ka dhigi waayay. Aqoon badan uma lihi oo waa nin aan inta badan Dubay soo dhaafin waxaanse kulannay asagoo duullaan ku yimid Xamar iyo inuu kala diro tayaarkaan hubaysan oo lagala quustay inay hubka dhigaan.

Wadaadkii Al-Itixaad madaxda u ahaa shir buu iclaamiyay. Waxaa yimid rag aad u farabadan. Waxay raggu u badanyihiin raggii Gedo kasoo jabay oo raba inay helaan gargaar degdeg ah. Waxay ku farxeen shirkaan amiirku ducaaddii isugu yeeray oo waxay u maleeyeen in guutooyin la diyaarinayo si gaaladii loo dabargooyo. Shirkii wuu furmay, wuxuu ku billawday kalimaad waano ah iyo is xasuusin xagga Alle ah.

Anigu waan fadhiyaa shirka. Waxaa meesha fadhiya ducaaddii gobolka Xamar, waxaa jooga ducaaddii kasoo jabtay Gedo, waxaa jooga ducaad badan oo meelo kala duwan ka timid. Amiirkii wuxuu fadhiyaa ragga dhexdiisa, wuxuu yiri qofkii ra’yi hayaa waa hadli karaa. Qoladii xiiqsanayd ee Gedo lagasoo cayrsaday waxay soo bandhigeen takhdiid gobolkii dib loogu qabsan karo. Waxay ka hadleen qaabka loo wajihi karo musiibadaan timid. Waxay ka cawdeen hiil-la’aanta haysata oo ay Xamar ka tabanayaan.

Waxaa hadalkii qaatay raggii reer Xamarka ahaa. Waxay kasoo hadleen taariikh iyo dhacdooyinkii ururku soo maray. Waxay ka jawaabeen codsigii reer Gedo. Waxaa hadalkii qaatay nin kamid ah ducaadda Xamar oo la yiraahdo Abuu Shayba. Ninkaasu wuxuu soo gabagabeeyay rajadii ay qabeen mujaahidiintii Gedo laga qabsaday. Wuxuu ku hadlay wax aanan wali arag daaci ku hadlaya. Aad ayuu ugu jeesjeesay waxa sheeganaya inay jihaad ku jiraan. Wuu caytamay oo waxaa kamid ahaa warkiisa, “Ha idinka saarto annaga reer hebel ah waan jihaadaynaa. Waa tii hubka dhiga la idinka waayay maxaa idinka raacay?” iyo wax la mida. Hadal dheer oo xanaf leh kadib shirkii wuu xirmay, waxaana la yiri ama amiirkii uu yiri, “Waan maqlay dooddiina, shirkuna wuu xiran yahay. Iska suga waxaa soo bixi doona go’aamo,” waana lakala dareeray. Amiirka Al-Itixaad oo shirgaddoonkaas fadhiyaa wuxuu ahaa Shiikh Muxamuud Ciise.

Maalmo kadib ayaa waxaa suuqa lagu siidaayay go’aammadii shirka kasoo baxay. Go’aammadu suuqa waxay kusoo galeen qaab dacaayad oo kale ah. Ma wada xasuusto go’aannadu siday ahaayeen laakiin nuxurka warku wuxuu ahaa, “Maanta laga billaabo waxaa lakala diray ururkii Al-Itixaad. Lama arki doono qof dambe oo hub sita oo leh waan jihaadayaa.” Hadal sidaas oo kale ah oo aan waliba loo sheegin cidduu khuseeyay ayaa suuqa la galiyay asagoo dacaayad u eg ama ah.

Shiikh Muxamuud Ciise wuu ku guulaystay inuu hubka ka dhigo raggii la kari la’aa. Wuxuu dabargooyay mucaskaraad dambe ama meel lagu tababbarto. Walladii tawallaa amra Al-Itixaad awal iyo aakhirba waa kaas. Ninka u baahan in lala xisaabtamo waa kaas. Wax ka hadlaya maqli maysid. Wax magaciisa sheegaya maqli maysid waana ninkii amuurahaan dhacay oo dhan raabidka u ahaa. Iska daaya Shible, Abyad, Ina Umal maxaad ka rabtaan asagaaba muddo soo kifaaxay ee soo jihaadaye.

Ikhwaanii waxaan idiin ballanqaaday inaan soo gudbiyo waxa keenay in culumada warkeeda la diiday iyo culumada warkeeda la diiday kuwa ay yihiin ama waxa laga diiday waxa ay yihiin. Waxaan kaloo soo sheegay inaan ka warramo Shabaab magaca la yiraahdo goortuu baxay iyo sababta keentay.

Waxaan iska soo raacnay Dhoobley 1991. Waxaan maraynaa 1997. Waxaan joognaa Xamar dhexdeeda ama meeshii tacsidu taallay oo lagu gawracay tayaarkii hubaysnaa. Waxaan idiin sheegay ninka mindida lagu gawracay ducaadda gacanta ku hayay magiciisii. Waxaan qaadannay amarkii ugu dambeeyay oo ahaa kala taga oo hubka dhiga. Waxaan soo qaadan jirnay amar kasta oo nala siiyo. Waxaan ku sabri jirnay dhib kasta oo naloo gaysto. Waxaan ahayn ducaad culumadooda u khidmaysa oo qaddarisa.

Su’aal ku wajahan qof kasta oo maqaalkaan la socday ama fahmay wuxuu xambaarsan yahay. Su’aashu waxay tahay waxaad soo aragteen inta dhibaato loo gaystay ducaaddii ama mujaahidiintii. Waxaa la diiday inay saldhigato himillada ah in la raadiyo dawlad Islaam ah oo la dagaallanta jahliga iyo shirkiga. Waxaa la diiday in la iska difaaco Saliibiyyiinta meel walba ku gumaadaya dadkii Muslimka ahaa. Ma isku tashannaa wixii hadda ka dambeeya oo Ilaahay ma talasaarannaa?

Ikhwaanii wixii hadda ka dambeeya waxaan yeelan doonnaa kulamo qarsoodi ah. Waxaan yeelan doonnaa xeryo lagu tababbarto oo aysan hawlwadeen ka ahayn odayaasha Al-Itixaad. Waxaan diyaarin doonnaa afraad waxtar ah oo dadka dhexdiisa ku faafisa fikirkaan ah in dawlad Islaam ah hirgalinteeda la raadiyo. Waxaa sahan loo galay ama baadigoob ciddii maalgalin lahayd dhaqdhaqaaqa dhalinyarada baadigoobaysa dawlad Islaami ah. Waxaan raadinnay dad naftooda iyo maalkooda u hura fikirkaan.

Waxba yaanan hadalka sii dheerayn ee aan gudagalo siduu ku billawday dhaqdhaqaaqaan khilaafa-raadiska ah. Khilaafadu maxay tahay ay raadinayeen Shabaabku? Waxay raadinayeen ducaaddu ama tayaarka jihaad-raadiska ah dawlad Islaam ah oo ku dhaqanta shareecada islaamka, dawlad u hiilisa kan dulman kii wax dulminayayna qaban karta.

Tusaale Gaaban Hooya

Tayaarkii hubaysnaa oo Al-Itixaad (Ictisaam) kala direen ama khayaameeyeen hadda waxay ka taliyaan dhul baaxaddiisu aad u wayntahay. Waxaa la dhihi karaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayagaa ka taliya. Waxay xoog ku leeyihiin gobollada Bari iyo Waqooyi. Waxay maamulaan shacab malaayiin ah. Waxay ilaaliyaan xuduud dheer oo cadaw ku teedsan yahay. Dagaal bay ku jiraan aan qaboobin oo habayn iyo maalinba socda.

Meeshaan usoo socday waa tan. Dadka iyo dalka ay maamulaan waxay gaarsiiyeen nabad waartay. Waxay fureen xuduuddo cadaw ku sameeyay Muslimiinta dhexdeeda. Waxay heshiisiiyeen dad walaallo ah oo gaalo isku dirtay. Waxay abuureen jawi xalaal ah oo aadan arkayn dhaqanxumo iyo fisqi. Waxay u kala garqaadeen si caddaalad ah dadkii is haystay. Waxay kala bixiyeen oo ka hadalsiiyeen kitaab aan lakala bixin boqollaal sano.

Waxaa la dhihi karaa dawladday raadinayeen waa tan ka talisa gobollada Banaadir, Shabeellada Dhexe, Shabeelada Hoose, Hiiraan, Mudug (in yar mooyee), Bay. Bakool, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose. Waxay maamulaan intaas oo gobol iyo waxa ummad ku nool. Waxay soo nooleeyeen dhaqan laga tagay oo aan waayahaan laga maqal adduunka.

Waxaad maqlaysaa: Wilaayaadka Islaamiga ah, Waaliga Wilaayada Gobol hebel. Wakaas waxa ducaaddu ama Shabaab baadigoobayeen, odayaasha Ictisaam ama Al-Itixaadna ay diiddanaayeen. Waan gaari doonnaa inshaa Allaahu barwaaqada la helay intaanna hordhac usii haysta.

Odayaasha Ictisaam ama Al-Itixaad waa dad wanaagsan intooda badan. Waxaa ku dhex jira dad yar oo aan laga nabadgalin sharkoodii tallaabana ay ka qaadi wayday intii xambaarsanayd himilladii ahayd in la helo dawlad dhaqan Islaam leh. Ragga yar oo dacwada kula dhex jira sharkaan wasakhaysan waxaa isugu darmatay laba arrimood:

  1. Cudur qalbiga ku dhaca oo aan daawo lahayn: Qalbiga ama maskaxdu waa meesha qofka banii-Aadamka ah dhaqaajisa xubnihiisa kale. Haddii qalbigu qaayibo in aadan waxba qabsan karin xubnaha intooda kale waa ka rumaysanayaan oo qofku waxba ma qabsan karo luguhuna tallaabo ma qaadi karaan.
  2. Cudurka labaad oo afraadda lagu imtixaamay wuxuu yahay cabsi ay ka qabaan gaalada. Cabsida waxaa weheliya inay gaaladaba la shaqeeyaan oo ay isku aragti ka yihiin ku-dhaqanka shareecada Islaamka iyo in xilligaan dadka gacmaha iyo lugaha laga gooyo ama dhagax lagu dilo.

Waxay kaloo gaalada iska waafaqeen inuu xaaraam yahay waxa jihaad la yiraahdo bulshada caalamkuna ay meel ugasoo wada jeestaan waxay ugu yeereen Irhaab, asalraac, imaaro Islaam raadin iyo wixi la mida. Waxay iska waafaqeen inay yiraahdaan diimaha hala walaaleeyo oo dadka hala isusoo dhaweeyo (taqaarubul adyaan).

Ikhwaanii waxaan ka faraxalannay oo god dheer lagu riday ururkii Al-Itixaad qaybtiisii hubaysnayd. Waxaa daafaha adduunka u kala yaacay boqollaal kun oo mujaahidiintii la khudlaanay ama la khiyaameeyay ah. Odayaashii Al-Itixaad markay dhalinyaradii indhaha ka rideen oo hubkii ka dhigeen ayay hoteelladii Dubay, Jabuuti iyo Nayroobi ku laabteen.

Waxaa odayaasha kamid ahaa rag aan ku qanacsanayn waxa Itixaad sameeyay. Waxay kaloo kasoo horjeedeen fikirka ah yaan la jihaadin oo dawlad Islaam ahna la raadin. Waxay diiddanaayeen afraaddaasi in gaalo la isu dhiibo. Kumay qanacsanayn go’aankii lagu kala diray ciidammadii Al-Itixaad ama ducaaddii hubaysnayd.

Waxaa kamid ahaa culumadaas Shiikh Xasan Daahir Aways, Shiikh Xasan Turki iyo Shiikh Muxamed Xaaji Yuusuf. Markay ka dhacday Canfaray firirik ama war kala yaaca, ayay saddexdii oday ama shiikh oo aan magacooda kor kusoo sheegay ninba go’aan gaar ah gaaray. Ilaahay ma waafajin inay inta isu yimaadaan hal go’aan wada qaataan. Nin ambaday halkuu aaday baa ula ekoonaatay oo la saxnaatay.

Shiikh Xasan Daahir Aways

Shiikh Xasan Daahir Aways wuxuu go’aansaday inuu bulshada dhexgalo wuxuu qaban karana qabto. Wuxuu yaqiinsaday nin fara bannaan inuusan diintaan waxba kusoo kordhin karin, daaci dadka xumaanta ka reeba wanaaggana fara inuusan noqon karin nin aan hubaysnayn. Wuxuu soo gashtay shaar wayn oo ay dusha uga xardhantahay qabiil reer hebel ama Habargidir. Shaarku korkuu ka foolxun yahay laakiin hoostuu ka nicmaysan yahay oo waxaa hoosta kaga xardhan kalimatu Laa ilaaha illa-llaahu ama Tawxiid.

Wuxuu isku dubaritay mooryaan hubaysan oo dadka dhibi jirtay. Wuxuu uwada galiyay nin walba shaar le’eg kii wadaadku qabay oo kale ah. Wuxuu u bixiyay magac wanaagsan oo uu soo xushay oo ka turjumaya himilladuu xambaarsanaa ama dawlad Islaam ah. Wuxuu billaabay dhaqancelin wanaagsan oo dadka ka kaxaynaysa xumaanta wanaagna gaynaysa. Wuxuu dajiyey meelo gaar ah, wuxuu u furay tababbarro ciidan. Wuxuu siiyay casharro qalbiga iyo jismiga inta waxtar u leh.

Wuxuu noqday duqa magaalada Muqdisho hawleheeda xalliya. Wuxuu noqday ninka kaliya ee dadku farta ku fiiqaan shaqaduu hayo oo la yiraahdo Allaylehe ciidanka Shiikh Xasan Daahir oo kale waa loo baahnaa. Waa ciidammadii aad maqasheen ee la magacbaxay Maxaakimul Islaamiya. Magacaad ka garan ujeeddada Shiikha Alla ha xifdiyee. Wuxuu soo maray marxalado aad u dhib badan oo aan waraaqo looga sheekayn karin. Aakhirkii waad ogaydeen inay dhaleen dawlad Islaami ah oo lix bilood ka talinaysay koonfurta Soomaaliya. Waan gaari doonnaa inshaa Allaah siday ku burburtay iyo wixii burburiyay intaba.

Shiikh Xasan Xirsi (Xasan Turki)

Shiikh Xasan Turki wuxuu qaatay naqshad aan ka fogayn tii uu qaatay Shiikh Xasan Daahir Aweys. Wuxuu dhexgalay shiikhu tolkiis. Wuxuu helay rag diyaarsan oo u badan ducaaddii ama mujaahidiintii lagusoo khiyaameeyay Itoobiya iyo Soomaaliya intaba oo hubkii laga dhigay. Wuxuu helay dhul istaraatiiji ah. Wuxuu helay bad xeeb dheer leh oo laga kalluumaysto. Waxaa badda dhinaca ku haya dhul hawd ah oo aan ciddii gasha looga dabagali karin. Wuxuu furay mucaskarro waawayn oo lagu tababbarto.

Wuxuu xasiliyay oo nabad kusoo dabaalay bulshadii meesha dagganayd oo dagaallo ka dhexayn jireen. Wuxuu u garqaaday ama kala xukumay dadkii is haystay. Wuxuu samaystay ciidaan xoog leh oo hanan kara wuxuu ku taamayay oo ahayd inuu shareecada Islaamka oogo. Waa laga wada dharagsan yahay imaaradii ama dawladdii Shiikh Xasan Turki uu ka sameeyay dhul baaxad wayn leh. Waxqabadkeedii waxaa og dadkii ku nastay laakiin la waydiin maayo Ictisaam iyo mid qabiil madax maray toona.

Shiikh Muxamed Xaaji Yuusuf

Shiikhu wuxuu ahaa ninka labada shiikhba kaga caansanaa imaarad-raadinta ama jihaad jacaylka. Waxaan soo marnay asagoo dawlad Islaam ah dhisay. Dawladdaasi waxay shaqaynaysay lix sano. Waxay gaartay horumar dhaqaale, mid siyaasadeed, ciidan, waxbarasho iyo maamul wanaag. Waan kasoo sheekaynay qaabkay ku billaabatay iyo meeshay ku dambaysay intaba. Shiikhii markii imaaradii laga burburiyay ayuu burburay asagiina oo waxaa mugdi ka galay inuu mar kale isku dayo dhisme dawlad Islaam ah.

Saan horayba usoo xusnay shiikhu wuxuu ahaa raggii Carabaha wax kusoo bartay muddo fog. Wuxuu ahaan jiray daaci dhulalka Muslimiintu ku yaryihiin loo diro. Waxaa kharashgarayn jiray oo uu shaqaale u ahaa isla raggii wax soo baray oo Carbeed. Markii talo ku baahday oo imaaradii laga burburiyay ayuu u qayshaday reer Carbeed. Waxaa ajiibay dawladda Qadar sidaan maqlay. Halkaasuu niman Carbeed oo aad uladan ku tujiyaa salaadaha.

Waxaan maqlay shiikhu inuu soo raacay nimankii Xamar yimid oo culumada Soomaaliyeed ahaa. Waa culumadii la magac baxday Al-Wifaaq. Waa raggii fatwooday in Bahuuke afar bilood Muslimiinta Bii.Em-ka ku layn karo. Waxay u cuskadeen mas’alada ah daruuradu waxay bannaysaa wax lagaa xaaraantinimeeyay. Waxay ku adkeeyeen mas’alada kale oo ah maslaxada iyo mafsadada. Waxay ku khatimeen nusuustoodii mas’alada ah hadday laba dhib ku sinmaan waxaa la qaataa hadba kan dhibka yar.

Shiikh Muxamed Xaaji Yuusuf waa ninka ugu taariikh fiicnaa ducaaddii Soomaaliya burburkii kadib oo wax dawlad Islaami ah oo muddo shaqaynaysay dhisay asagaa jira. Maantayna waa ninka ugu taariikh liita shakhsi ahaan raggii asaga la manhajka ahaa oo mujaahidiinta ay isla ahaayeen. Fiiri labadii shiikh oo kale Ilaahay waa sugay waxayna maantay ku raaxaysanayaan dawlad Islaam ah.

Asagana carruurta Carbeed ayaa leh, “Yaa abii ta’akharnaa. Cinnaa mawcid. Aynal cabd wal mudawwac illii sallaa binaa ams?” Waxaan hubaa inaadan xor u ahayn inaad meeshaad rabto aadi karto. Waxaan rumaysnahay haddaad run sheegi jirtay waagii hore inaad jaanis leedahay oo mar walba qofka khalad baa ka dhici kara wuu kasoo laaban karaa markuu arko khaladka uu ku jiro.

Shiikh Muxamedow gobolkii waxaa ka dhisan dawladdaadii aad dhidibbada u taagtay dawlad ka xoog badan. Dadku waxay u baahanyihiin culumo wax barta iyo kuwo tujiya intaba.

Anigu aan iska warramo mawqifkaan qaatay markii nala kala diray. Waxaan go’aansaday inaan aado Soomaali Galbeed oo markaas jihaad ka socday. Waan is diyaariyay. Waxaan xuuraan u galay ama wardoonay sidaan ku gaari lahaa gudaha Itoobiya. Waxaan dhexgalay magaalada Xamar. Waxaan raadiyay ducaaddii gobolkaas u khidmaynaysay. Waxaan helay rag uu kamid yahay Shiikh Muxamed Xasan Taraar, Shiikh Muxamed Wali iyo rag kale oo ay shaqada wada hayeen.

Waxay ii sheegeen inay meesha dad wax ku baraan. Waxbarashadu waa mid waxtar u leh mujaahidiinta. Ninkii wax barta waxaa la yiraahdaa maxaad jeceshahay inaad qabato? Wuxuu sheegto ayaa loo diraa. Markay ii sheekeeyeen oo aan aad ula dhacay hawshay hayaan wanaaggeeda ayaan xoogaa lacag ah oo aan dad kasoo uruuriyay ku wareejiyay. Muddo haddaan wardoon ku jiray ayaa waxaa soo dhawaaday bixitaankaygii.

Waxaa ii yeeray walaalihii dadka wax ku barayay magaalada dhexdeeda. Waxay i dheheen barri rag baan tababbar u xiraynaa ee noo imow. Waan imid. Waxaa meesha ku diyaarsan dhalinyaro dhawr bilood wax baranaysay. Waxaa meesha fadhiya culumo uu kamid yahay Shiikh Cabdullaahi Raabi.

Meeshu waa guri filla ah dhexdiis. Dhalinyaradii waxay rabaan inay na tusiyaan qaabkay wax u barteen. Waxay gudagaleen inay soo bandhigaan xirfadahoodii. Waxaa nala tusiyay farsamooyin na yaabgaliyay ama na cajabiyay. Waxaan ogaaday in wali raggu dhaqan yahay. Dawradiina waa la xiray.

Hoteel baan dagannahay. Huteelkii waxaa ilasoo dagay Shiikh Cabdisalaam Cismaan Cabdisalaam oo ah amiirkii mujaahidiinta Itoobiya. Markaas ayuuba kasoo galay furintii aan u socday. Waa nin aan horay isula soo shaqaynay oo waan is naqaan. Haw baan isku soo niri. Iswaraysannay. Waxaan u sheegay inaan usoo socday meeshuu ka yimid. Wuxuu igu yiri, “Ha degdegin ee aniga iga warsug anaa kuu warrami. Saad moodday xaal ma ahan.”

Walaalayaal Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ikhyaari waxaysan foofsan ayaa usoo hoyda. Waxaan la kulmay wax aanan filayn inay dhagahaygu maqlaan. Waan idiin warrami doonaa inshaa Allaahu tacaalaa bal aan u nasanno arrintaan aan ku farxin.

Waa inoo qormada dambe inshaa Allaahu.