Category: Maana-Faay

  • Xubinta 1aad

    — 1 — Iyadoon qofna salaamin, hareerahana eegin, bay qolkeedii halhaleel ugu gudubtay. Sariirtay isku halgaadday. Buugaagtii ay sidatayna koomadiinka dushiisay naxariis la’aan ku tuurtay. Qaar baa dhulka ku daatay. Waligoodba ha daateen. Yaa u jixinjixaya! Yaa aruursanaaya! Addimadeedii baabay aruurin kari la’dahay. Waa taas labadeedii lugood mid sariirta ku dul xoortay, iyadoo kabteedii wadata. […]

  • Mahadcelin

    Waxaan u mahadcelinayaa Maktabadda SOAS (Rugta Buug-Keydinta Dugsiga Culuumta Bariga iyo Afrika, Jaamacadda Landan) oo oggolaaday in ay i amaahiyaan nuqul buuggaan daabacaaddiisii koowaad ah oo ay ku hayeen qolka lagu ilaaliyo qoraallada aan la heli karin, kuwaasoo aan caado ahaan la oggolayn in qolkaa laga saaro. Waxaan ugu abaal hayaa in ay ii oggolaadeen in aan […]

  • Maana-Faay

    Maana-Faay Qiso Maxamed D. Afrax   Hordhac uu daabacaddii koowaad 1981 u qoray Maxamed Aadan Sheekh, Guddoomiyihii Jaamacadda Ummada, Soomaaliya.   Qisada Maanafaay iyo qiimeheeda taariikhiga ah inta aynaan u galin, horta aan is weydiinno qisoy maxaad tahay? Runtii wax badan baa fasiraad laga bixiyey, siyaalo badanna loo rogrogey, inta ay nooc leedahayba. Hase yeeshee […]