Dagaalkii Horreeyey

1900kii ayaa Ingiriisku col lixaad leh soo qalqaaliyey si loo damiyo dabka halkaas ka baxaaya intaanu dhulka ku fidin, haddaba xabbaddii maalintaa la riday waxay dhacaysay 20 gu’.

Inta la hubo ama taariikhdooda la hayo Daraawiish iyo Ingiriis waxay ku kulmeen 41 goobood. Goobihii ugu waaweynaa ama dagaalkii xumi ka dhacay waxaa ka mid ah kuwan:

Dagaalkii         Oo Dhacay

Afbakayle           03.05.1901

Fardhiddin          16.07.1901

Beerdhiga           10.08.1902

Cagaarweyne       17.04.1903

Daratoole           18.04.1903

Jidbaalle           10.01.1904

Ruuga               09.10.1913

Dayuuraddii            01.1919

Ingiriisku dagaallada wuxuu u qaybiyaa saddex duullaan oo mid waliba socday dhowr gu’, mid walibana lahaa tabo iyo xirribo gaar ah iyo xoolo loogu tala galay, inkastoo aan guul laga gaarin.

Dadka Soomaalida markay rumi run geyday wuxuu u kala jabay laba meelood. Dad gaalka raacay oo garab iyo gaashaan u noqday, iyo dad Daraawiish raacay oo jihaadkii la galy.

18 gu’ markii dagaalkii socday, habeen iyo dharaarna laysku aloollaa, labada geesoodna lagu hoobtay, dad iyo duunyana lagu cayroobay, Daraawiishina ku luga baxsatay buuraha Ceerigaabo iyo arladaas badyayrada Cadmeed u jeedda ayaa Ingiriiska arrini ku caddaatay. Dabadeed talo wuxuu ku goostay in Daraawiish dayuurado lagulo dagaallamo mooyaane aan si kale waxba lagaga qaban karin.

1919kii bishii Jannaayo ayaa Ingiriisku Daraawiishi kaga soo duulay cir iyo dhul, bad iyo berri intaba. Siddeed dayuuradood oo ugu horreeyay waxay duqeeyeen Mirashi, Jiidali iyo Baran, meelahaas oo Daraawiishtu qalcado ku lahayd. Ceeldheer meesha la yiraahdo ayaa lagu soo riday diyuurad siddeeddii dayuuradood oo ugu horreeyay ka mid ahayd, maalintii danbena Taleex bay ku duuleen inkastoo bamkii waxba ka tari waayay.

Daraawiish waxay la ahaatay mar haddii hub aanay haysan iyo dayuurado lagula dagaallamay inay Nugaal iyo agagaarkeeda ka guuraan oo u qaxaan dhinaca koonfur si ciidankooda meel uga soo wada jeesto, maxaa yeelay Daraawiish xoog leh ayaa fadhiday webi Shabeelle iyo agahiisa oo Khaliif Sheekh Cabdille madax u ahaa. Nin haray iyo nin itaal waayay mooyaane, Daraawiishi waxay isugu tagtay Qorra, Shinniile iyo Horushagax, halkaasaana Xaruntii degtay.

Rag talo kama dhamaato ciil horena waa qabeene, ciidan bay qalqaaliyeen si rogaal loogu celiyo. Iyadoo guuti lixaad leh laysu dumay, ambabaxna heegan loo yahay ayaa duumo, daacuun, fanto iyo furuq miduu ahaaba Eebbe Weyne tacluus ku fariisiyey. Raggii duullaanka u heeggannaa ama dagaalka geli lahaa waxay noqdeen in taal iyo tarabtarab u la’atay. Ingiriisku markuu taa ogaaday, guuto camaaryalay ah oo Soomaalidii raacsanayd u badan buu ku soo bixiyay. Iyadoo Daraawiishii tahay in le’atay iyo in jiifta iyo in aan itaalba hayn, ayaa colkaas galay, kaas oo qalqaaladiisa, hubkiisa, raashinkiisa iyo wareegadiisaba Ingiriisku lahaa. Waxaa Ingiriiska maammule uga ahaa Sir Archer Soomaaliduna u tiqiin Caarshe-Dheere. Hase ahaatee ciidanka Ingiriis u dagaallamayey wuxuu ahaa Soomaali soocan oo aan la tarraxin. Colkaasi dad wuxuu helayna waa laayay, duunya wuxuu helayna waa taabay.

Xooluhu helay waxaa ka mid ahaa geela la baxay “Hagoogane”. Wuxuu geelaasi magaca kula baxay: “ninkii geelaas ka saami galeyna kibir buu la hagoogtay, ninkii ka qadayna ciil buu la hagoogtay”.

Labaatankii gu’ ee dagaalku gumaysiga iyo Daraawiish ka dhex socday waxaa dhacay wax weyn, dad wixii la laayey ama haasahaasihii ku lumay iyo duunyo wixii la dhacay ama daar burburay ama degel rogmaday, gabbal dhacay iyo waa beryey wixii guuto gelibaxaysay iyo faras wixii weerar u taagnaa, qalinna laguma qori karo, afna loogama sheekayn karo, lamana qiyaasi karo. Aan soo qaadanno gabay yar oo wax ka tilmaamaya wixii meeshaas ka dhacay.

Waxaa la wariyey Ismaaciil Mire iyo wadaaygiisii Xaaji Maxamed Cawl inay reer ku soo hoydeen. Qof dumar ah oo reerka joogtay ayaa Ismaaciil maagtay oo waxay ku tiri: “Wiilashaydii adaa laayay, awrtaan ku guuri jirey iyo arigeeygiina idinkaa dhacay, wixii guuldarro i gaarayna idinkaa ii geystay”. Ismaaciil ayaa hadalkii islaanta ka xumaaday oo garaysan waayey, maxaa yeelay wuxuu rumaysnaa inuusan wixii Daraawiish iyo dad kale kala gaaray isagu uusan u qoolmi karin. Dabadeed, isagoo wixii dhacay lama wada sheegi karee, wax ka taabanaya, wadaygiisiina ku halqabsaday wuxuu yiri:

Gelin dhexe xalaan Maxamadow geyrtay oo kacaye
Gam’ina waayey hadalkay i tiri gacallow naagtiiye
Adigay gablay tiri markaad gaaska wadateene
Waxay tiri adaa igu gondolay garangartaan iile
Waxay tiri aday guri dhigoo ma lihi gadiide
Waxay tiri adaa gelengal tubay garayartaydiiye
Waxay tiri guyaalkii adaa gaajo ii dilaye
Waxay tiri gurboodkii adaa geesuhu dhigaye
Guhaaddeeda aan jirin balaan gabay ka soo qaado
Gumburo iyo Cagaarweyne iyo geedkii Daratoole
Goobtii Jidbaalle iyo Xargaga guuldarradii joogtay
Gembigii ka dhacay Ruuga iyo gudurigii haagay
Gabooddeeda Beerdhiga wixii la isku gooraamay
Meydkii gabraday seerigay Good ku tumanaysay
Gawarkaad maraysaba laftaad galayaxaa mooddo
Ogaadeenka gaanka ah wixii geydho laga qaaday
Iiddoor cayuun godan wixii gelin la weydaarshay
Shirshooraha gudbani cayr wuxuu gorof la meeraystay
Garcas iyo Majeerteen wixii guuyo laga dhaarshay
Gob ninkii ahaan jiray wuxuu gibil madoobaadey
Giddigiis naflaa’iga wixii gobolba meel aadey
Dayuuradaha gowliyo wixii samada guuraayey
Daarihii gelgelintaa noqdiyo gebiyadii ciiray
Wixii guuldarriyo hoog ka dhacay dunida guudkeeda
Gembigiyo jahaadkii arlada gaday wixii joogey
Gaaliyo Daraawiish wixii uunka kala gaarey
Kaligey ma wada geysannine la isku geeryooye
Geyigii rogmaday oo dhan baad guudka ii suriye
Waxbana hay gurreynine denbaad galabsanaysaaye
Gartaa maaha naag yahay inaad ii gilgilataaye
Gashi kaama qabo oo ma layn gabannadaadiiye
Gambana kaama furan baan u fili gulufaydeyiiye
Naa gefkiyo beenta daa yadan gelin godadkii naareede.

Firdhadkii Daraawiisheed iyo wixii ka harayna waxay galeen Qarrijiqood, ugu dambaystiina waxay tageen go’ane Iimey oo ku taal webiga Shabeelle xaggiisa sare. Meel ay Daraawiishi daar ka dhisto ama ay dab ka belbeliyaan waa meeshii ugu dambaysay. Sayid Maxamedna halkaasuu ku geeriyooday 1921kii.

aragtidaada nala wadaag...