Diiriye Abuu-Jahal

Inkastoo aannu wax badan ku dedaalnay gabayada ujeeddadii loo tiriyey iyo danta laga lahaa inaanu helno, haddanna waxaa jiray gabayo iyagoo qoran aannu helnay, dabadeedna meel loo raaco la waayay, welina sababtii loo mariyey la baadi goobaayo. Waxaa ka mid ah gabaygan soo socda.

Diiriye Abuujahal hadduu diiday Nabigiisa
Oo duubkii xoorooy kufrigana diiradda u qaaday
Bal muxuu dariiqada la yimi daba xabuurraaye
Awalba waw u dareen qabay inaan daahir loo dhaline
Daaxuurka feeraha xumi ma aha Daaroode
Daanweynihii baa u wal qalay dabinta buurnaaye
Daaraha jannada inuu askumo diinta laga waaye
Doofaarka iyo eygu waa derajo dhaamaane
Denbi igama raacsana inuu yahay dirkii Koofil
Haddaan dayo dugaaggaa indhuhu waa ka didaayaane
Dubku kuuma qaban karo nimaan kuu dadba ahayne
Dabatoobku wuxuu igu cillayn dirirtii jecrkiiye
Dagaalkii ninkii ferenji buu iigu duurxuliye
Wuxuu iigu dudayaaba waa daallinkii lumaye
Wuxuu dooni inaan Eebbehay deeqi ii imane
Anna diifta igu taalli waa dacatigoodiiye
Daqar iyo dubaaqiyo diliyo daabbad iyo duunyo
Dakankeyga maqan baa ka badan digada xoolaade
Cali-Gerina waa doorrannaa duunka ka horow e
Dayax buu ahaa iyo shamsada mari dusheennaase
Waa dowlad nimankuu Hindigu daabka ku ulayne
Waa dabato nimankii lahaa deero iyo cawle
Dawar looma shubo wiilashii damaca waallaaye
Daahiyad xun baa lagu jirrabay doog iyo abaare
Adigoo daliilkaas qaboo ciil la duluglaynin
Asaanad guuto dabablay ah iyo duullan bixinaynin
Miyaa lay dalbaday maaggu waa dowgalkii hore e
Dumarkii Cadmecd buu yiqiin inuu dukhuulaaye
Dabar baa Ilaahay ku xiray darab la’aaneedee
Doorada ha qubo waa wuxuu doonayuu helaye.

Waxaan ka qoray Axmed Cali Abokor, Darwiishkuu ka soo qorayna lama yaqaan.

5 thoughts on “Diiriye Abuu-Jahal

  1. Gabaygan waxa loogu jawaabayey Darwiish gartay diin ku qadhaabasho. Gabayguu tiriyey ma xusuusan karayo nasiib darro. Bal se waxaa ka mid ahaa erayadiisa: Kuwa duubka cad noo xidhay hadana…!

  2. Diiriye Maxamuud Cali Guuleed
    Waa Awoowgeey wuxuuna ahaa Cabdile Noolays Ama Daanweyne waana nin Majeerteen ah sayidka iyo isaga taariikhdii dhex martay oo gabaygu ku yimid cidii rabta aniga ayaa u haya.

  3. been ba ilahay uu sheegtay diriye caris cabdille cali wayrax adeerkis aha reer maxamud calina ma ahayn tariikh adan lahayn ha radinin

  4. diriye caris cabdille wuxu ahaa halyay daanweyne ah gar ahaan nin reer gadiid ah allha uu naxariisto halgama adeerkay bu ahaaa

Leave a Reply to Maxamed Dhagaafe Cilmi Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *