Maantii Asaayuhu Dhacay

Galabti Gurdumi ee rag ku tashaday in Sayid Maxamad dabin loo dhigo si loo dilo, ninkii u digay oo magaciisa la oron jirey Cabdi Garaad Yuusuf wiil uu dhalay ayaa jeer danbe xaruntii yimid iyadoo dagaalkii Gurdami laga joogo dhawr sano. Kolkaasuu Sayid Maxamad wuxuu ku tashaday inuu wiilka ka abaalmariyo wanaaggii aabbihii u galay si wanaagsanna u soo dhaweeyo. Markaasuu gabaygaan xarunta dhexdeedii ka tirshay si uu Daraawiishta u ogeysiiyo ama kula dardaarmo inanka loo samafalo. Wuxuuna Sayidku yiri:

Maantii isaayuhu dhacee, dunidu aafowday
Maantuu Ogaadeen sidii obo, i boobaayey
Maantuu adduunkaygii dhacay, ariyo geeliiba

Maantay Cabbaas1 ku ajaleen, awlixii waranka
Maantii Iblayskii Iljeex2, na ibtilaynaayey
Idilkiiba Subayr maalintuu, oboda ii dhiibay

Maantaan islaan iga naxiyo, ehel xigaal waayey
Arbow Ina-Garaad Yuusuf3, baa aanadey galaye
Waatuu akhbaartii i yiri, aaminka ahayde

Waa tuu isagu iiga degay, ooglihii farase
Inkastoo amxaaro u kacee, ferenji aanaystay
Usaga iyo ubadkuu dhalayba, waw abaal gudiye

Maruun baan amah bixi, haddaan iilka lay dhigine
Markuu roob onkodo baan lahaa, ilindidow geeye
Aroos iyo waxaan rari lahaa, awra jeexya lehe
Waxaan omoska sii marin lahaa, xamarro oog dheere

Usna manta keer soo ambaday, inankii weeyaane
Sidii aabbihiis oo kalaa, laga idaayaaye
Wuxuu iila ekoon yahay midaan, ina illaawayne

Alaakoodsha oo wiilku, yuu agab la’aan sheegan
Afka wuxuu ka dooniyo, wuxuu uur ka rabo siiya
Ninkii loo ixsaan falahayaba, iniq u dheereeya.

 


1. Aw-Cabbaas: Wuxuu ka mid ahaa kooxdii Sayid Maxamad Maka u raacday, kadib Darwiis buu noqday waxaana lagu dilay Gurdumi.
2. Iljeex: Xuseen Yuusuf Xirsi, wuxuu ka mid ahaa shirqoolkii Gurdumi raggii abaabulay.
3. Ina-Garaad Yuusuf: Garaad Cabdi Garaad Yuusuf, waa ninkii Sayidka u digay shirqoolki Gurdumi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *