Xuseenow Caqligu Kaama Baxo

Afbakayle

Dagaallo badan baa Ingiriiska iyo Daraawiishta dhex maray. Ingiriiska wuxuu doonayay inaan dhaqdhaqaaqa Daraawiisheed dhulka ku fidin, Daraawiishina waxay doonaysay inaan Ingiriisku dhulka ku xididaysan. Labada dhinacba si daran baa dagaalkii loogu hoobtay. Dadkiina wuxuu u kala miirmay: Nin Ingiriiska la jira oo moodaya inuu dan u yahay, iyo nin Darwiish noqday oo jihaad u guntaday iyo nin duunyadiisa dhaqanaya oo aan duniba bar ka ogayn.

Arrintii oo sidaas ah ayaa Ingiriisku niman Soomaali ah Sayidka ergo ugu diray. Nimankaasi ujeeddadoodu waxay ahayd inay Sayidka kula doodaan inay yihiin dad Islaam ah oo dadkooda in la laayo iyo duunyadooda in la dhacana aanay bannaanayn. Isagana waxay la ahayd, mar hadday aqdaaamo ferenji yihiin, inaanay diintu nabad gelinayn, markaa Sayidku isagoo ka warramaaya dhibihii loo geystay, tilmaamayana goobihii laysku helay, caddaynayana doodda nimankaasu u keeneen wuxuu ka qabo, ayuu gabaygaan tiriyey. Waxaanu ku tirshey Ayl ama Ilig 1905 sida lagu wado.

Xuseenow1 caqligu kaama baxo, idam Ilaahaye
Ha laguu aqbalo duca san baan, kuu akhriyaaye
Ifkana waaya noo joog, nimaan aaminaad tahaye

Haddaad umaaddo waan kuu hubaa, ina uduu kheyre
Asaxaabihii baad u tegi, udugga weynaayee
Irdihii jannada inaad ka geli, waa ogsoonahaye

Hawl kalana waa erey yaraan, kuu erganayaaye
Alla igama qaadow adaan, kala illaawayne
Eedaanka maqal waa salaad, loo addimayaaye

Ilaahi abuurba kuwii diiday amarkiisa
Ambiyaalihii iyo kuwii, awliyada caayay
Asxaabti dariiqada kuwii, awlaxa u qaaday

Ikhyaarkooda nimankii kufriga, uga adeegaayey
Aan lagu igraahine kalgacal, ugu abraaraayey
Kuwii ubad Nasaaraad noqdee, Ferenji aanaysatay

Nimankii Amxaara u kacee, Adarinuu guurey
Oo Aw-Cabbaas2 diley, dadkaan eedi kala gaarin
Oo uunka kala fiijiyee, kala irdheysiiyey

Nimankii Amxaara u kacee, Adarinuu guurey
Oo Mililikh3 aabbe u yehee, u arrin qaadaayo
Oo Xabashi eegi u noqdee, u ololaynaayey

Ingiriiska nimankii wadee, nagu aseebaayey
Afbakayle4 nimankii wadee, nagu aseebaayey
Ee Oodagooyiyo5 na dhigay, aydii Daratoole6

Nimankii ikhwaankii jaree, aabiga u laayey
Ragga ehelu-kheyrkaa warmaha, kala ajoon waayey
Oo umal daraaddiis girliga, ugu afuufaayey

Idilkoodba nimankii dagaal, iigu imaanaayey
Nimankaan inkaaree madfaca, ololi ii haysatey
Ee ubaxcaddaydii hartiga, oofta kaga joojay

Nimankii iniinaha ka dhigay, Ilig7 wixii joogay
Ee Eerago8 iyo Batalo9, igu uquumeeyey
Ee omoska Beerdhiga10 tukaha, igu ormaysiiyey

Nimankii ayaantii Gumburo11, oboda ii dhiibay
Ardaashii Jidbaalle12 i heshee, igu unuun goysay
Nimankii uluuf iyo uluuf, igu agoomeeyey

Nimankii adduunkeygii dhacay, ariyo geeliiba
Anigoo islaamaba kuwii, ii arxami waayay
Nimankaan Ilaahoow lahaa, eyda iga doono

Abaalkayga nimankii ba’shee, ii istixayn waayey
Ahabtiyo ergeyntii kuwii, lagala ayn waayey
Nimankii ijaabada ka tagay, aakhiru sabanka

Nimankii iblays nagu diray, naga ajoon waayey
Nimankii arlada Eebbahay, naga ugaareeyey
Nimankii awaaraha buska leh, nagu eryoonaayay

Ninkii abaartii caleed, Bari na aadsiiyay
Argalkiyo rasaastii kuwii, nagu igbaaraayay
Ee urugadaan qabiyo ciil, igu abaadsiiyey

Nimankii ilmada iga qubee, oohin iga keenay
Nimankaan ku alaladay markii, uunku wada jiifay
Nimankii ujuurada cunee, iibkii ii bixiyey

Nimankii intaas nagu falaan, na asaraareynin
Waxba yey addoomaha Ilaah, nooga aargudine
Waxba yaan adduun layga siin, ilintidaydiiyee

Utuntayda waa heli haddaan, iilka lay dhigine
Araraha intaan marahayey, igu arkaayaane
Maruun baan sidii aar libaax, oodda soo jebinne

Ashtakooda’aa iyo warqado, ku andacoodaaba
Mar haddaan shareecadu aqoon, nimanka liddoora
Ashahaadadoodiyo ma rabo, ina wallayntooda

Mar haddaan wadaad aayad diin, ila ekeyneynin
Amaan aniga la i oran karayn, tanu ahaan mayso
Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubaysta.

Waxaan ka soo guuriyey Cabdi Cali Guuleed oo loo yiqiin Cabdi-Yaar 1955kii, hase ahaatee markii dambe waxaan helay gabayga oo xaruntii lagu qoray. Waxayna isku ujeeddo yihiin gabayga 4aad.

1. Xuseen: Xuseen Dhiqle, waa ninkii gabayga Sayidka naawili jiray, waxaana lagu tilmaamay nin fahmo badan, Sayidkuna isaguu ku hal qabsan jirey. Wuxuu ku dhintay Gindhir 1923kii.

2. Aw-Cabbaas Aw-Xuseen Muuse: Wuxuu ka mid ahaa kooxdii Sayid Maxamed Maka u raacday. Kaddibna Daraawiish buu noqday waxaana lagu dilay shirqoolkii Gurdumi.

3. Waa boqorkii xabashida u talin jiray 1868 – 1913.

4. Af-Bakayle: Waa goobtii ugu horreysay ee Ingiriis iyo Daraawiishi ku dagaalameen 1901dii. Goobtani waxay ka dhacday meel Laascaanood 40 mayl dhinaca galbeed ka xigta.

5. Oodgooye: Waa dooxo magaalada Laascaanood ka hooseysa. Waxaa ka dhacay dagaal Ingiriis iyo Daraawiish dhex mary 1901.

6. Daratoole: Waa balli can ah oo ka mid ah toddobada balli ee Haraxagarrey.

7. Ilig: (a) Ilig-daldala waa gacan badda gala oo Ayl 60 mayl dhinaca koonfur-galbeed ka xiga. Daraawiish baa qalcad dagaal ka dhisatay 1905. (b) Balli ka mid ah ballida loo yaqaan Haraxagarrey.

8. Eerego: Waa tog weyn oo hawd ka soo rogmada oo ku soo biyo shuba Mudug.

9. Batalo: Waa balli toga Eerago bartamihiisa ku yaal.

10. Beerdhiga: Waa goobtii saddexaad ee goobihii waaweynaa ee Ingiriis iyo Daraawiishta dhex maray. Waxay ka dhacday Xodayo 1902.

11. Gumburo: Waa buuro 44 mayl Wardheer xagga bari ka xiga. Waxaa ka dhacay dagaalkii Cagaar-Weyne 1903dii.

12. Jidbaalle: Waa goobtii shanaad ee Daraawiish iyo Ingiriis dhex martay, waxayna dhacday 1904, waxay ka dhacday dhooddida Nugaaleed bartameheeda meel Laascaanood waqooyiga ka xigta.

aragtidaada nala wadaag...