Cutubka 2aad: Xiriirka Aadamiga

Arar: Camalku Waa Dadka

Xiriirka kugu xira dadka madaxda kuu ah, kuwaad _ madaxda u tahay iyo kuwa kula siman wuxuu aasaas u yahay ku-guuleysiga hoggaaminta wacan, marka adigoo ku talo gelaya inaad hoggaamiso koox ujeeddainay gool wada dhaliso waa inaad tixgelisid xiriirka kor iyo hoos iyo dhin^cyadaba, maxaa yeelay, adiga awaamiir baa kcr kaaga imaanaysa, adna awaamiir baad hoos u diraysaa, waxaanad wada shaqaynaysaan dad asaaggaaga ah oo kula siman xagga darajada shaqada, waxaana la isku biirinayaa midhaha shaqadaada iyo tooda, si loogu guul- eysto ujeeddada loo halgamaayo.

Marka waa inaad garatid saddexda xiriir, mid kastaana xaqiisa oofisid, madaxda waa inaad u gargaar- tid, shaqaalahaaga waa inaad madax caadil ah u noqotid, kuwa asaaggaa ah waa inaad iskaashataan, taasina waxay keenaysaa inaad si dhab ah u gudatid waajibaad- kaaga, si aanay shaqada kooxdu u murgin oo ay u kala socoto, taasina kuu suuroobi mayso haddiiaadan shaqa­daada iyo wixii la xiriira iyo dadka ay saamaynayso si dhab ah u baran, ugana baaraan-degin, waxaana jira markaad jaranjarada maamulka kor u fanatidba in ay kuu muuqan doonaan arrimo aadan hore ula socon sida: In hawlahaaga kordhi doonaan, adkaanna doonaan xiri­irka aad la leedahay shaqaalahaaga ballaaranayo, sababta oo ah waxaad mas’uul ka noqonaysaa dad horleh, kuwii horana waad ka fogaanaysaan, waxaana idiin dhexeynaaya kaaliyeyaashaada oo ku soo gaarsiin doona arrimahooda, waxa kale ood ogaan doontaa markaad dallacdoba in saaxiibbadaadii hore yaraanayaan, maxaa yeelay, shaqadaa kala fogaynaysa markaad jagada sare gaartid.

Waxaad dhex geleysaa bulsho cusub, Waxaad la mucaamiloon doontaa wajiyo cusub, waxaana ku dhalan doona naftaada loollan sidaad isu waafajinayso la tartanka saaxiibbadaada cusub, xagga shaqada iyo raalli-gelinta saaxiibbadaadii hore oo doonaya in sidii hore xiriirkiinnu ahaado, isla markaana ka faalideystaan jagadaada cusub, si aad uga soo dha- maysid arrimahooda xafiisyada sare ee aanay gaari karayn.

Sifada ugu muhiimsan hoggaamiyaha waa kartidi­isa la dhaqanka dadka iyo hawl-gelintooda, waxaana jira mabda’ aasaas u ah maamulka jago kasta ood joogtid. Mabda’aas oo ah in waajib kaa saaran yahay xagga madaxdaada dadka aad madaxda u tahay iyo madaxda aad siman tihiin, marka waxaad u baahan tahay qii- meynta madaxdaada, gargaarka shaqaalahaaga iyo iskaashiga asaaggaaga, dadkaasaana aayatiinkaagu ku xiran yahay, marka ha fududaysan waajibaadkaaga heer kasta ood gaartid.

Qaybta 1aad

Sidaad U Noqon Lahayd Ninka Labaad

Xiriirka idinka dhexeeya adiga iyo ninka madaxda kuu ah, waa mid golco badan oo taxaddir u baahan, adigu waxaad tahay xubin ka mid ah kooxda uu hog- gaaminaayo habka aad shaqada u gudataana wuxuu ka qaadanayaa kaalin weyn qiimeynta iyo qaddarinta sha- qadiisa, sababtoo ah, doorashada kaaliyihiisu waxay ka mid tahay shaqadiisa siduu wax u qabtaanna isagay ku xisaaban tahay.

Waxaa waajib ah inaad ogaatid in maamulahaagu kaalinta hoggaaminta ku jiro adiguna aad isaga gacan- yare u tahay, isagaana talinaaya, oo arrinka goynaya, waxaana waajib kugu ah, inaad la socodsiisid waxaad qabanaysid, isaguna xaq buu u leeyahay in uu kula socodsiiyo wuxuu rabo in uu fuliyo, marka ninka madaxda ihi wuxuu u baahan yahay gargaare la isku hallayn karo oo ka xiltira mas*uuliyadda ugana raaxeeya arrimaha yaryar iyo kuwa sahlan.

Waana inaanu waqtiga kaga lumin su’aalo aan macno lahayn iyo waxyaabo aan shaqada aasaas u ahayn.

Haddiise arrinku yahay mid taabanaya siyaasadda shaqada ama u baahan ra’yigiisa gaarka ah, waxaa waajib ah inaad la socodsiisid ood ra’yigiisa fulisid.

Adigu waad jeedin kartaa ra^igaaga isagaana qaadan kara ama diidi kara hadba siduu xaaladda u arko.

Ogow inaan madaxdaadu rabin inaad la keli noqo- tid arrimaha waaweyn, adigoon taladiisa tixgclin, isagase waajib kuma aha in uu taladaada qaato, xataa hadday toosan tahay, marka ha dhibsanin haddii taladaada la diido, maxaa yeelay, madaxdu wdxay hayaan xoog aadan ogeyn, waxaana la arkaa in uu arrinka dhinac kale ka fliriyo isagoo cuskanaya xog-ogaalnimada adiga kaa qarsoon.

Haddaba, ha ka caroonin marka la diidorayigaaga, maxaa yeelay, qaadashadiisu khasab kuma aha ninka madaxda kuu ah.

Qaddari Waqtiga Madaxdaada

Waxaa ka mid ah shaqadaada inaad la socodsiisid madaxdaada hadba heerka shaqadu marayso, laakiin raaaha inaad wax kastaba ula soo oroddid ee waa inaad warbixin guud ka bixisid shaqada, iyo meelaha muhi- imka u ah in uu si gaar ah uga warqabo.

Ku-talo-gal inaan ninka madaxda kuu ah keligaa kula shaqaynayn, marka ku xisaabtan intaad ku leed- ahay waqtigiisa, taana waxaa lagu qiyaasaa hadba haw- laha laguu xilsaaray intay dhumuc le’eg yihiin iyo siday ugu xiran yihiin madaxa maamulka in uu la socdo.

Marka ha kaga dhuminin maamulahaaga waqtigiisa qaaliga ah sheekooyin iyo mashaakil gaar kuu ah, hana ka caado yeelanin inaad hadba daf iska soo tiraa xafiiska adigoo is-leh wax-u-sheeg maamulaha. Haddii aad sidaa fashid waxaad arki doontaa markaad xafiiska gashoba in xoghayntu kaa soo daba-gasho, iyadoo u sheegaysa arrimo muhiim ah ama la socodsiinaysa in qof u joogo, dariiqaddaasina waa xeelad uu iskftga ilaalinaayo xad- gudubkaaga iyo sheekadaada waqtiga ka dhuminaysa. Haddaba, ka digtoonow inaad ku kacdid arrimahaas doqonnimada ah.

Habka Wargelinta Madaxdaada

Habka wargelintu waa laba jid: “AFKA iyo QORAALKA”. Marka haddaad xog-warrankaaga ku dhiibayso odhaah ka flirso waxaad odhanaysid intaadan bilaabin, waxaana door-roon inaad qortid bilowga xub- naha aad ka badli doonto, si aadan u kala illoobin ama is-weydaarin, waxaana waajib ah in hadalkaagu kooban yahay, caddaan yahay, isla markaana lagu qancin karo, waaha inaadan ka bixin mawduuca aad ka hadlaysid, maxaa yeelay, haddaad ka baxdid waxaad iska dhumi- naysaa waqtigii aad qancin Iahayd madaxdaa, sidoo kale haddaad qoraal ku bixinayso waa in qoraalkaagu cad* daan yahay, kooban yahay, isla markaana kulansaday dulucda arrimaha ujeeddada iyo talooyinkaaga waana inaad diyaar u ahaataa su’aal kasta oo laguu soo jeediyo.

Baro Shaqada Madaxdaada

Ha sugin mar kasta in laguu sheego shaqadaad qaban Iahayd, waa inaad foojigan tahay ood taqaannid xilkaaga iyo sidaad u gudan Iahayd, waa inaad uga raax- aysid maamulahaaga arrimaha yaryar iyo kuwa fudfu- dud. Waa inaad kala taqaannid waajibkaaga iyo kan madaxdaada, si aadan isugu labin arrimaha.

Ku qaddar inaad la shaqaysid Agaasime Guud oo u madax ah shan maamule, waajibka Agaasimaha Guud waa in uu hawlgeliyo, kormeero shanta maamule, laak- iin, waajib kuma aha in uu la socdo arrimaha hoose ee maamule kastaa xafliskiisa u gaarka ah, waxaase ku waajib ah in uu isku habeeyo hawlaha maamulayaasha, si ay isula socdaan una xaqiijiyaan ujeeddada hay’addu u dhisan tahay, marka si aad ugu gargaarto naftaada iyo madaxdaada ballaari aqoontaada, maxaa yeelay, hadba inta aqoontaada shaqada la xiriirta korodho ayaad u dhowdahay dallaca&dda iyo hore-u-kaca. Ogow, in ninka madaxda kuu ah aannu dooneyn inaad shaqadiisa qabato, wuxuuse doonayaa inaad shaqadaada fulisid, si shaqadiisu u sahlanaato iyo inaad fulin karto waajibaad- kaaga iyadoon kormeer laguula kor taagnayn.

Waxaa aad halis u ah inaad shaatiga ninka madaxda kuu ah gashatid oo aad shaqadiisa qabatid, waxaa waajib ah inaad ogaatid inaad ku shaqaynayso amarka madax­daada, xataa haddii aad talo fiican keento ama aad xal u hesho mushkilooyinka shaqada hortaagan, waxay ku baxaysaa saxiixa ninka madaxda ah, maxaa yeelay, isa- gaa shaqadaa u xilsaaran, hana isku dayin inaad kala wareegto awooddaas adigoo faafinaya in talooyinka wanaagsan ee maamulahaagu la shir tegey ay flkrada- haagii yihiin. Maxaa yeelay, talooyinkaaga markuu oggolaado waxay u gaddoomayaan kuwo uu isagu keenay, waxaana waajib ah in uu isagu kaa abaal-mariyo dadaalka aad dhiibatay ee guusha keenay iyo sidaad ugu gargaartay xallinta dhibaatooyinka.

Waxaad ogaataa in fikradaha ay madaxdu la shir tagto inta badan rag kale keenaan, iyagaana ku magac qaata, maxaa wacay, ninkii fikradda lahaa ma meel marin karo marka ninka fuliya ee hirgeliya ayaa magaca qaadanaya.

Ha Bari Furin Madaxdaada

Waxaa loo baahan yahay inaad xasuusatid in ninka kuu madaxda ah kaa darajo sarreeyo xagga maamulka, marka waajib kuma aha in uu kula socodsiiyo habka uu u fuliyo hawlihiisa hana ka sugin middaas. Haddii aad talo u jeediso uu kaa oggolaado uu haddana is-rogo ha ka caroonin, hana isku dayin inaad ogaato sababta ku xam- baartay, maxaa yeelay, shaqadaadu waxay ku eg tahay inaad ra*yigaaga dhiibatid, oggolaanshaha iyo diidmada waa shaqada maamulaha sare, marka ha isku dhibin ogaanshaha sababta uu maamuluhu u diiday taladaada, haddii aannu isagu iskiisa kuugu sheegin.

Hana raacraacin gafafkiisa dadka hortiisa, haddii uu warbixin ka jeediyo shir ama ka warramo arrin ku saabsan mashaariicda hay’addiinna qabato oo uu sheego arrimo aadan la socon ama uu qariyo ammo jira ama si kale u sheego ha isku dayin mama inaad toosisid shirka dhexdiisa ama aad si aannu wax u sheegin aad wax u sheegtid, waxaa laga yaabaa in uu u kasay, ama ula- jeeddo kaa qarsoon ay jirto.

Haddaad is-celin weydo dhegta u saar oo xasuusi ama xaashi ugu qor hadduu kaa fog yahay. Haddii uu qof ku guuleysto maamulka wanaagsan, waxaa hubaal ah in ay hareera joogaan saraakiil karti leh, adiguna raggaas- aad ka mid tahay inta aad wax la dhisayso ee aadan jagadiisa ku duullaan ahayn, haddiise aad isku daydo inaad jagadiisa kala wareegto ku talo gal in uu gaas- haanka kuu daruuri doono kuna dadaali doono siduu isaga kaa dheereyn lahaa, arrinku si kastaba ha ahaadee, haddaad ka tallaabsatid madaxdaada, filo dhibaatooyin, , jidka ugu dhow ee aad guul iyo daiiacaad ku gaari kartaa waa inaad gashid kaalin aan madaxdaadu kaa maarmi karin, inkastoo ay aad u yar yihiin dadka aan laga maarmi karayn.

 

QAYBTA 2aad

Ogow Shaqaalahaagu Way Kula Shaqeeyaan Ee Kuuma Shaqeeyaan

Waxay kuu haystaan shaqaalahaaga iyo madax- daaduba inaad tahay hoggaamiye. Marka maamula- haagu wuxuu kaa rabaa inaad muujiso karti iyo hufnaan, si uu kuugu qoro dallacaad, isaguna wuxuu doonayaa in uu helo xujo caddaynaysa inaad mudan tahay dallacaad, shaqaalahaaga iyagu fursaddaada oo kale ma haystaan, adigay kaa sugayaan inaad dallacaad siisid, sida laguu dallacsiinaayo aayatiinkaagu wuxuu ku jiraa gacan- tooda, sida aayatiinkoodu gacantaada ugu jiro gargaar- kooda, la’aantiina horukacaagu rajo ma leh, haddii aadan gacan ka helin shaqaalahaaga, shaqo kuu socon- mayso, marka waa inaad ku dadaashid iskaashigooda iyo wada shaqayntooda, taasina waxay ku suuroobi kar­taa inaad isku shuqlisid barashada shaqada iyo tooda, xog-ogaalna u noqotid xiriirka idinka dhexeeya iyo xaal- adaha gaarka ahba.

Hoggaamintu Waxay U Baahan Tahay Jajabnaan

Waxaa jira awaamiirta la siinayo dadka inaanay isku si u saamaynin, awaamiirta dadka qaar si caadi ah bay u fulinayaan, waxaase dhacda inaan dadka qaar oggolaanayn, sidaa awgeed, ninka hoggaamiyaha ihi waa in uu ahaado nin dhug leh oo foojigan.

Ninka hoggaamiyaha ah waa inaanu nin qallafsan ahayn ee waa in uu yahay nin hawsha u jajaban oo kiil kasta buuxin kara, waa in uu yaqaanno markuu bixi- naayo amarka iyo sida uu ugu gudbinaayo dadka ku shaqada leh, isagoo ku xisaabtamaya in dadka uu amarka siinayaa qaadanayaan kartina u leeyihiin fulinti- isa, waxaa jirta xigmad dhahaysa: “Haddii aad rabtid in lagu caasiyo soo saar awaamiir aan la fulin karayn. Marka amarkaagu ha ahaado mid la fulin karo”.

Tilmaamaha Hawlaha Maamulaha

Xiriirka kugu xiraya dadka aad madaxda u tahay waa xiriir madaxnimo sida xiriirka ka dhexeeya adiga iyo ninka madaxda kuu ah, marka shaqa&lahaagu waxay kaa filanayaan waxa aad ka filanaysid madaxdaada.

Aragtidaasi waxay kugu baraarujinaysaa inaad u dhega-nuglaatid xaaladda iyo baahida shqaalahaaga.

Haddii aad tahay nin wax-garad ah kugu cuslaan mayso inaad dejisid naftaada, halkooda si aad arrinka uga flirisid dhinaca ay ka joogaan markaasaad si dhab ah u qaddarin kartaa doonistooda. Mana noqon kartid hog- gaamiye guuleysta haddii aadan baran raggaagu waxay galaan iyo waxay gudaan, kartid ooda iyo awooddooda wax-qabad.

Hoggaamiyuhu waa in uu yaqaanno waxa uu doon- ayo, jidka uu u marayo iyo sida uu u fulinaayo, shaqaal- ahaaguna waxay kaa sugayaan inaad shaqadaada si dhab ah u taqaannid, haddiise ay kaa muuqato cabsi, karti- xumo iyo ka war-wareeg hawsha adag, markaas shaqaal- ahaagu waxay ka, war-helayaan isku kalsoonaan la’aantaada, marka wax kasta oo kugu dhaca waa inaad naftaada ka adkaatid oo aadan muujin argagax iyo wal- bahaar, maxaa yeelay, shaqaalahaagu mar kasta indhaha ayey kugu hayaan, iyagoo faalleynaya dhaqdhaqaaqaa iyo hadalladaada, si ay ugala soo baxaan waxa kaa imaan doona.

Waxaa ka mid ah shaqadaada in aad ku abuurto shaqaalahaaga isku kalsoonaan iyo xasilloonaan. Iyagu adigay ku daba-joogaan, waxay kuu fiirinayaan si naxariis-darro ah, waa garsoorayaal qalbi adag, kuuna cafin maayaan gefkaaga, inkastoo ay iyagu I^aa codsa- nayaan inaad dhaaftid gafafkooda. Haddii aad isku meeraysatid, oo amarka aad soo saartid haddana ka loqotid waxaad u muuqanaysaa inaad ku jaho wareer- tan tahay shaqada, taasina waxay ku gafsiinaysaa xur- nada iyo maamuuska shaqaalahaaga, maxaa yeelay, iyagu waxay rumaysan yihiin in guusha shaqadoodu ku xiran tahay kartidaada, waxaanay ogaadeen inaadan karti lahayn marka kugu khasaarin maayaan dadaalkooda.

Hoggaamiyaha wanaagsan waa kan tababara raggi- isa ee ka dhaadhiciya siday waajibaadkooda u gudan lah« ayeen, maamulaha raba in uu horumar ka gaaro xagga maamulka waa in uu barto siduu dadka kale wax u bari lahaa.

Daafac shaqaalahaaga; iyagu waxay kaa sugayaar inaad ilaalisid danahooda, waa inaan lagaala hoos bixir dadka aad madaxda u tahay, tusaale ahaan, waxaa dha- cay in wiil karraani ka ahaa Shirkad weyn uu u xilsaray maamulihiisii in uu soo diyaariyo liistada mushaharadda shaqaalaha, isagoo ku shuqloon liistada ayuu u yimid Agaasimihii Guud ee Shirkadda, waxaannu amray in uu deg-deg ugu diyaariyo warbixin ku saabsan gunnooyinka jid-marka ah eeshaqaalaha, waannu oggolaaday, laak- iin, wuxuu is-yiri markaad dhammaystirtid liistooyinka ayaad fulin doontaa amarka Agaasimaha Guud rabo, waxaase dhacday in isla maalintii Agaasimihii Guud ku soo noqday karraanigii uu warsaday warbixintii wuxuu ugu jawaabay weli maan dhammayn shaqadii uu ii diray maamulaha xafiisku. Agaasimihii Guud aad buu u carooday amarkiisa oo la fulin waayey awgii, karraanigii wuxuu u tegey maamulihiisii wuxu yiri: “Waxaan doon- ayaa inaan ogaado maamulaha aan la shaqeeyo, mar- kaasuu uga warramay wixii dhex-maray isaga iyo Agaasimaha Guud”. Markaasuu yiri maamulihii waxba ha ka biqin ee shaqadaada wado.

Haddiiba, Maamulihii wuxuu u tegey Agaasimihii Guud, oo Uu ku yiri, Shirkaddan adiga ayaa ka madax ah, wixii aad amartana waa la fulinayaa, waxaana jirta inaad ii wakiilatay maamulka xafliskan, waxaanan u xilsaaray karraaniga shaqo ay waajib tahay in uu maanta dhammeeyo, adiguna waxaad u dirtay hawl kale adigoon ila so0odsiin, markuu kaa gaarsiin waayey waad ku xanaaqday.

Marka adigu xaq baad u leedahay inaad amar to’osu siiso shaqaalaha ila shaqeeya, haddiise la rabo in sha- qadu si habsami ah u socoto sow ma habboona in awaamiirtooda loo mariyo ninka xafiiska u madaxda ah.

Agaasimii Guud waa ka garaabay arrinkii, waxaan- una u yeeray karraanigii markaasuu u cudur-daartay raallina geliyey. Marka haddii aannu maamuluhu ka daaflci lahayn karraanigiisa gardarrada Agaasimaha Guud, waxaa laga yaabaa in, caradiisu ku xambaari Iahayd in uu shaqada ka saaro.

Adigu waxaad uga dhigan tahay shaqaalahaaga sida naakhuudaha doonta hoggaamiya, waxay fulinayaan awaamiirtaada, waxay aqbalayaan dhaliisha aad u jeed- isid, laakiin, waa markaad danahooda iyo xuquuqdooda ilaalisid.

Waxaa jirta xigmad la baro saraakiisha ciidammada markay layliga.ka baxaan, taasoo ah: “Ilaali raaxada askartaada, maxaa yeelay, adigay kugu tiirsan yihiin”.

Xigmaddaasi waxay ku rumoobaysaa saraakiisha maamulka iyo shaqaalaha ay madaxda u yihiin.

Xilka Maamulaha Xagga Edbinta

Dadka aad madaxda u tahay uma sinna waajib gudashada, waxaa laga helayaa dad shaqadooda si hab­sami iyo daacadnimo u gudanaya, kuwo gaabinaya iyo kuwo aan u aabo yeelayn shaqada oo ku tumanaya nidaamka. Marka caddaaladdu waxay keenaysaa in mid walba wuxuu mudan yahay la mariyo, waxaana ka mid ah waajibaadka maamulaha shaqada fulinaaya in uu ciqaabo edbin ah ku qaado qofka ku tunta nidaamka ama shaqada dib uga dhaca, ama u gudan-waaya waajib- kiisa sidii loogu talo galay, sida dhabta ah xilka maam­uluhu maaha mar kasta mid farax iyo raaxo leh, maxaa yeelay, marka qof la ciqaabfyo ama canaan loo jeed- inaayo waa shaqo qofkii dhaawacaysa oo eedi ka imaanayso, laakiin, waxay ka mid tahay waajibka maamulaha, kamana gabban karo haddii uu ka leexdana isagaa mudanaya ciqaabtii, maxaa yeelay, waxay ka go’an tahay shaqadijsii, madaxdiisa iyo Shaqaalihiisa midna tixgelin maayo.

Dadka aad madaxda u tahay waxay jecel yihiin inaad tahay nin karti leh oo ku adag nidaamka shaqada iyo habsami-u-socodkeeda, haddiise aad fududeysato nidaamka kuwa ku khilaafana indhaha ka laabatid, waxaad noqonaysaa hoggaamiye faashil ah ama karti- laawe ah, qofna kuugu garaabi maayo ama kuugu cudur- daari mayso ee waxaa lagugu tilmaami doonaa waa doqoni ma shaqayste ah.

Markaad nin shaqaale ah u jeedinaysid canaan ama ciqaab edbin ah ka dheerow waxyaalaha uur-xumada iyo nacayb keenaya marka lagu ogaado inaadan ninna nec- bayn ee aad gudanayso waajibaadkaaga keli ah way kuu garaabi doonaan, inkastoo qaarkood marka hore caroon doonaan.

Shaqaalahaagu Waxay Kaa Sugayaan Inaad La-Taliye U Ahaatid

Dadka aad madaxda u tahay markay la kulmaan dhibaatooyin xagga qoyska dhaqaalaha ama xagga sha- qadaba, way kuula soo ordayaan, markaa waxaa loo baahan yahay inaad dul-qaad iyo adkaysi u yeelatid dhe- geysiga, mashaakilkoodana u muuji inaad ka damqanay- sid adigoo isku dayaya inaad wax ka qabatid intii awooddaada ah xallinta dhibaatada, laakiin, tallaab- ooyinka aad ku gargaaraysid shaqaalahaaga waa in aanay saameyn habsami-u-socodka shaqada.

QAYBTA 3aad

Sidaad Shaqaalahaaga Ugu Tababari Lahayd Wada-Shaqaynta

Waxaa ka mid ah waajibaadka hoggaamiyaha sha­qada fuliya in uu koox hoggaamiyeyaal ah abuuro, isa- goo ka dhex xulaya maamulayaasha la shaqeeya, kaddibna u tababaro una layliyo xambaaridda mas’uul- iyadda ay qaban doonaan.

Nin la odhan jirey Roger, oo madax ka ahaa Shir- kad dalka Maraykanka, ayaa loogu yeeray in uu ka qayb galo shir lagu qabanayey Yurub oo ka qaadanaaya muddo afar bilood ah, waana oggolaaday, markaa waa lala yaabay siduu muddadaa dheer uga maqnaan karo shirkaddiisa. Wuxuu ugu jawaabay in ay shaqadiisa ka mid ahayd in uu abuuro madax shaqada wadi karta, waana iska xil-saari jirey, waxaanan hubin doonaa mar- kaan soo laabto inaan ku guulaystay waajibaadka iyo in kale, kaasoo ka muuqan doona siday shaqadu u socotay intii aan maqnaa.

Taasina macnaheedu wuxuu yahay inaad abuurtid dad kula shaqeeya oo ku beddli kara, shaqadaadana qabta marka loo baahdo. Fikraddaa, waxa si flican u caddeeyey nin Maraykan ah oo Shirkad weyn ka madax ahaa, isagoo khudbad u jeediyey shir lagu falanqaynayey horumarinta maamulka wuxuu yiri: “Waxaan u caddey- nayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Shirkadaha, inaanay heleyn dallacsiin haddii aanay abuurin marka hore rag jagooyinkooda qabta marka ay bannaanaato ”

Waa Kee Hoggaamiyaha Fuliyaha Ah?

Hoggaamiyaha fuliyaha ah, waa midka hawlgeliya dadka uu madaxda u yahay, waxaana ka mid ah waaj- ibaadkiisa habaynta iyo isku dubbarididda hawlaha kal$ duwan iyo kala hagaajintooda, si aanay isu herdiyin, hoggaamiyaha fuliyaha ah, waxaa lagu tilmaamaa ama lagu matalaa nin hoggaamiya koox fannaaniin ah oo muusiko garaacaysa oo ka kooban tobnaan haysta qalab kala duwan, ka yeerinaya codad kala geddisan, si ay u soo saaraan hal cod oo midaysan oo qurxoon naftana aad ugu raaxeeya, marka haddii aannu isku habayn codadkooda, cod qurxoon ma soo baxayo. Waxaa ka soo baxaya cod fool xun oo dadka ka argagixiya.

Hoggaamiyaha maamulkana waa sidoo kale, waa in uu u hawl-geliyo shaqaalihiisa, si ay goolka guusha u wada dhaliyaan, si taas loo helona waxaa waajib ku ah hoggaamiyaha in uu si caddaalad iyo xigmad ku jirto ula mucaamiloodo shaqaalihiisa, gaar ahaan, xagga abaal- marinta ammaan iyo dhaliilba, si aanay dhexdooda uga dhalan kala masayr, uur-xumo iyo is-xaasid, falkaasina waxay dhaawacayaan iskaashiga iyo wada shaqaynta lagu gaari karo guusha.  *

Ha Ka Cabsanin Shaqaalahaaga

Waxaa laga yaabaa in ay ka mid yihiin dadka aad madaxda u tahay qaar kaa caqli badan ama kaa karti roon, marka ha isku dayin inaad daboosho kartidooda iyo waxyaalahay hibada u leeyihiin.

Adigoo ka baqaya in ay jaga kaa riixdaan, maxaa yeelay, haddaad isku daydid waxay kaa qaadanaysaa hawl iyo waqti qaali ah, isla markaana qofkii markuu ogaado inaad ka hor-taagan tahay horukaciisa ku raalli noqon maayo in uu kaa hoos shaqeeyo marka waxaa kuu roon inaad barbaarisid ood fursad u siisid in uu muujiyo kartidiisa, si ay u soo baxaan dadka kartida leh, xataa haddii ay adiga ku dhaafayaan waxaa habboon inaad jidka u furtid oo aadan isku gudbin, waanad ka heli doontaa abaal-gudkaaga xagga madaxdaada oo kuu qii- meyn doonta ragga aad u soo saartay hay’adda, nin ka madax ahaa Shirkadda weyn ayaa uga warramay nin saaxiibkii ah, waxaa ku kallifay in uu nin maamule sare ah uga wareejiyey jagadiisii muhiimka ahayd uguna dhi- ibay darajo ka sarreysa tiisii hore, laakiin, aannu shaqo qabanayn, wuxuuna ku yiri: uJoon wuxuu shaqeeyey muddo dheer, waxaannu u shaqayn jirey si daacad iyo hagar la’aan, haddase ma gudan karo masiuliyadda loo xil-saaray, wuxuu ka caado dhigtay in uu madaxda ka hoos shaqaysa dadaadiyc, kuna canaanto shirarka, mar- kaan arrinkii u dhabbo galayna waxaan ogaaday in arrinkaasi run yahay uu ula dhaqmo madaxda ka hoos shaqaysa, si qallafsan oon xurmo iyo maamuus ku jirin, waxaa ka muuqday waaxdiisa waji kaduud iyo dar- xumo, haddii saraakiishiisu u soo jeediyaan fikrado ama talooyin wuu googoyn jirey, markaasuu dib uqori jirey, si ay ugu muuqato mid uu isagu keenay, markaasuu u gudbin jirey guddiga ku shaqada leh”.

Markii hore, waxaan moodaayey in falad- xumadaas ay ku xambaartay cabsi uu ka qabo in dad- kaasi jagada ka riixdaan, laakiinse, waxaan ogaaday in uu ka masayrayo in shaqaalihiisu dhaafaan oo kartidoodu muuqato, sidaasuu cagta u saarayey aqoontooda iyo kartidooda. Sida runta ah Joon wuxuu noqday nin naftiisa jecel oo keligiis khayrka ku koobaya oon cid kale u quurayn, taasina waxay hoos u dhigtay awooddiisii, wax-qabadkiisii iyo dad-abuuriddii looga baahnaa hog-.’ gaamiyaha, waxaa ka dhuntay sifada wax isu-quuridda oo aasaas u ah madaxnimada daacadda ah.

Waxaa jirey nin madax ka ahaa majallad caan ahayd wuxuu xariif ku ahaa soo saaridda iyo xulidda dhallinta hibada u leh wax-qoridda, taasina waxay gaar- siisay mujalladkiisii guul waarta oo ay kaga hormartay dhammaan mujalladyadii tartanka kula jiray. Ninkaasi wuxuu ku faani jirey xulidda iyo barbaarinta dhallinta maskaxda wanaagsan ee hibada u leh hoggaaminta dhal- lintii uu soo saarey abaal weyn bay u hayeen oo waxay ku tilmaami jireen aabbihii barbaarinta aad baanay u xur- mayn jireen, isla markaana shirkaddiisu wuxuu u soo hooyey guul aan la koobi karayn, markuu u abuuray maamulayaal kor u qaaday qiimihii iyo dhaqaalihii shirkadda.

La Ma Huraan Ma Aha Inaad Tahay Abwaan

Si aad u noqotid hoggaamiye guulaysta shardi ma aha inaad dadka ugu caqli iyo cilmi badan tahay ee waa sidaad caqligaaga uga shaqaysiisid waxaase loo baahan yahay in caqligaagu yahay mid awoodi kara hanashada mas’uuliyadda loo xilsaaro iyo inuu diyaar u yahay culayska hoggaaminta, haddaad u fiirsatid dadka ku caan baxay taariikhda waxaad arkaysaa inaay u badan yihiin aqoon yahannada u go’ay cilmiyada kala duwan, maxaa yeelay caqliga haddaan laga shaqaysanin halki- isuu ku abaadayaa, marka waa in laga shaqaysiiyo caq­liga iyo maskaxdaba si looga faa’iidaysto.

Sidii Loo Heli Lahaa Hoggaamiye Fuliye Ah

Jagooyinka sare ee hay’adaha iyo shirkadaha waxaa looga baahan yahay dad karti leh oo u qalma inay jagooyinkaa qabtaan.

Nin agaasime guud ka ahaa shirkad ganacsi ah oo maraykan ah ayaa tilmaamay hawlaha maamulka wuxuu yiri:- Hoggaamiyaha fuliyaha ah waa inuu karti u leeyahay wax baaridda dadka kale waa inuu awoodi karo inuu shaqaalihiisa u qeexo jid cad uu ku muujiyo dham- maan shaqada hay’adda iyo siyaasaddeeda iyo kaalinta ay kaga jiraan arrimaha la fulinayo, taasina waxay u suuroobi kartaa in isaga naftiisu aqoon dheer u yeesho arrimo badan oo ka baxsan shaqadiisa iyo inuu aad u yaqaanno shaqaalaha uu madaxda u yahay iyo heerka ay kala joogaan xagga aqoonta kartida, waxaa uu mid kas­taa u hanqal taagayo, waxyaalaha ay hibada u leeyihiin qaarkood iyo qof kastaa wuxuu ku fiican yahay si gacan loogu siiyo waxay higsanayaan hay’aduna uga ‘ faa’iidaysato.

Hoggaamiyaha nin karimeedka ah waa midka ka shaqeeya inuu ka dhigo shaqaalihiisa koox midaysan oo si iskaashi ah u wada shaqaynaysa oo is xurmaysa, sida lagu gaari karo guushaana waa in si caddaalo ah loogu simo fursadaha tababarrada iyo aqoon korodhsiga, oon laga xullan kuwa qaraabada iyo saaxibada ah kali ah, haddii aad qaarkood u fidiso kaalmo aanay mutaysan oo loogu qaraabo kiilay waxaa kacaya kuwa asaagood ah oo        uur xumo ku abuuraysaa, waxaanay tirsanayaan dulmi iyo caddaalo darro. Sidaa awgeed hogaamiyaha doonaya inuu guul dhaliyo waxaa waajib ku ah inuu dhexdhexaad u ahaado shaqaalihiisa fursadaha tababar­rada iyo dallacaadana u simo, waa inuu u dhug lahaado in eexda iyo nin jeclaysigu shaqaalaha qalbi jebinayaan.

Nin madax ka ahaa shirkad ku taalla Taxes oo ka mid ahaa dalka Maraykanka ayaa u baahday nin kaaliye uga noqda dhawr gobol, waxaa isku waday jagadaas nin maamule ka ahaa gobol, waxaase loo magacaabay nin kale oon la filayn, markaas si loogu caddeeyo sababta ninka kale ku mutaystay isaguna ku waayey wuxuu u yeeray madaxdii shirkadda ninkii maamulaha ahaa waxaanu ku yiri:- Waan ka warqabaa inaad caddaalo darro.tirsanayso markii nin kale loo magacaabay jagadii aad filaysay, waxaan kula socodsiinayaa in looga baah- anaa jagadaa nin la macaamiloon kara dad kala duwan sida ganacsatada, agaasimayaasha wax gadidda deg- mooyinka iyo gobollada waxaana shardi ah inuu aqoon fiican u leeyahay wax gadidda, isla markaana waa inuu karti u leeyahay layliga iyo barbaarinta dadka kale oo u soo saari karo hay’adda dad waxtar ah oo hormariya si aanay hay’ad kale noo dhaafin.

Adigu waad ku fiican tahay shaqadaada, laakin markii lagu noqday heshiisyadii gadidda ee aad fulisay intooda badan adigaa sameeyay inta yar ee soo hartayna waxaa sameeyey seddex nin ood raggaagii ka dooratay shaqaalahaaga intiisii kalena waad gacan bidixaysay waxtarkoodiina hoos buu u dhacay marka haddii aad damacsan tahay dallacaad u barbaari shaqalahaaga haw- laha kala duwan.

Waxaa nagu waajib ah inaan jagooyinka muhiimka ah u dhiibno dadka ugu karti iyo wax qabad badan si loo soo hoyo guul wax ku ool ah.

Adigu hal qof baad tahay oo wax walba ma qaban kartid, marka waa inaad diyaarisid dadkii wax kula qaban lahaa, waa intaas gafka uu sameeyey maamulihii uu ku waayey dallacaadii, wuxuu kheyr moodaayey baa khasaare u soo jiiday, maxaa yeelay wuxuu isku dayey in uu shaqadiisii iyo shaqadii dadka kaleba kaligii qabto, wuxuu u qaatay haddii isagu ku ekaadc hawlgelinta, shaqaalaha uu madaxda u yahay iyo tababarkooda si ay shaqada toos ugu fuliyaan inay isaga liidnimo ku tahay. Waxaase loo baahnaa inuu xog ogaado in shaqada madaxdu tahay hawlgelinta shaqaalaha, isku duwidda shaqada iyo kormeeridda habsami u socodka shaqada haddiise maamuluhu qabto shaqadii dadka uu madaxda u ahaa, waxaa baylahaysa shaqadiisii, waxaa lagu mata- laa ninka caynkaa ah geed weyn oo hoos ballaaran, laakin aan oggolayn in geedo kale hoostiisa ka soo dhashaan.

Hoggaamiyaha guusha dhalinayaa waa inuu u han- qal taago jagooyinka sare, jagadiisana uu u diyaariyo una barbaariyo dadka kale ee ka hoos shaqeeya haddiise uu isku gudbo uu hore u socon waayo way jiiri doonaan oo iyagaa hore u socon doona, hoggaamiyaha gurracanna meeshiisay uga tegi doonaan.

Maamule Mujallad Oo Nasiib Daran

Waxaa jiray nin ka shaqeeyey mujallad muddo shan iyo toban sano ah kana qabtay jagooyin kale duwan ilaa uu ka noqdo madax mujalladka oo dhan, laakin waxaa dhacday inuu shaqadii mujalladka oo dhan isagu qabto, dadkii la shaqaynayeyna wax xil ah uma dhiibin waxay noqotay mujallad qof qura ka muuqda. Waxaa dhacday in maalin uu u yeeray guddoomiyihii shirkadda iska Iahayd mujalladka wuxuu u sheegay in shirkaddu soo saarayso wargeys cusub, isagana madax looga dhigi doono, markaasuu argagaxay uu yiri anigu ma qaban karo wargeys cusub, waxuu ku taliyey in dibedda maam­ule looga doono waxuu ugu jawaabay guddoomiyihii maxaad shaqaalahaaga qaar ugu tababari weyday wuxuu yiri kama soo bixi karaan. Markaasu yiri gud­doomiyihii dhegeyso Bile, waxaa jira rag toban sano ka hoos shaqeynaayey hadaad intaa wax ban weydayna haddana wax bari maysid, haddii aanay iyagu wax baran karayn waxaa waajib ku ahaa inaad shaqada ka saartid, sida dhabta ah adigaa hortaagan oo cagta hoos geliyey oo horukac u diidan waxaa waajibku ahaa inaad abuurtid dad hawsha kula wada, haddana waxay ila tahay in jagadaada loo dhiibo nin abuuri kara maamulayaal madax ka noqda qaybaha kala duwan ee mujalladka.

Shaqaalahaaga Waxay Kaa Sugayaan Hanuunin Iyo Toosin

Sida ugu wanaagsan ee aad ku hanan kartid xur- mada shaqaalaha aad madaxda u tahay waa inaad shaqa­daada ka adagtahay una qalantid booska aad joogtid, hoggaamiyaha fuliyaha ah ee guulaysta’waa inuu u han- qal taago horukac iyo dallacaad waa inuu aad ula socdo ujeeddada iyo siyaasada ay ku shaqaynayso hay’adda ama shirkadda uu u shaqeeyaa.

Haddii aad doonto dallacaad aqoon u yeelo intii kuu suuroobi karta shaqada hay’adda, hana ka joogsan aqoon korodhsiga aqoonta noocaas ah waxay kugu abuuraysaa isku kalsoonaan markaad dadka la dhaq- maysid waxaana ku suuroobi kara inaad ka jawaabtid su’aalaha laguu soo jeediyo si dhaqso ah.

Haddii ay kaa hor timaado dhibaatooyin waxaad heli kartaa sidaad u xalin Iahayd ama u raadin Iahayd jidadka loo maro ee lagu xallin karo. Mana suuroobi karto inaad moosto mas’uuliyadda maamulka sare mar- kay kula soo gudboonaato inaad qaadid tallaabooyin ama go’aanno aadan jeclayn, Maamulaha daciifka ah wuxuu ku soo jiitaa shaqaalihiisa eedaynta madaxda sare, wuxuu yiraahdaa “anigu ma jecli inaan arrinkan ku kaco, laakin waxaan fulinayaa amarka madaxda, waana qasab inaan sidaa yeelo”. Haddii aad eedayso maamul- kaaga sare waxaad dhaawacaysaa kalsoonaanta shaqaal­ahaaga u hayo hay’adda ay ku xireen noloshooda iyo ‘ aayatiinkooda, markaa intay daacad ugu shaqayn lahay- een hay’adda ay joogaan nin kartaa wuxuu isku shuqli- nayaa siduu u raadin lahaa meel kale oo u shaqo u tago.

Maxaa Kula Gudboon Sida Aad U Hormarin Lahayd Shaqaalahaaga?

Ku guulaysiga barnaamijka horumarinta iyo kor u adidda kartida saraakiisha waxaa saldhig u ah laba las oo kala ah:- In sarkaalka xil la saaro, 2 in la siiyo fursad uu horukac ku samayn karo.

  1. b) Sarkaalka la rabo inuu horukac sameeyo waa in faraha loo saaro mas’uuliyadda, waana in si fiican loo dhacsiiyo xilka uu qaadayo iyo sida uu u fulinayo waana in la siiyo awood iyo qalabka lagu fulinayo. t) Saraakiisha waxtarka ah waxay u hanqal taag- aan horukac, marka waa inaan laga hor joogsan waxay higsanayaan, maxaa yeelay sarkaalka nin karmeedka ah haddii aanu helin xil iyo awood u qalanta ma joogayo meeshaas ee wuxuu raadsa- nayaa meel horumar uu ka samyn karo. Markaa waxaa kugu haraya dadka bartood yaqaanka ah ee hanka yar, waxtarkoodana iska yar yahay. Madaxda qaarkood way ku adagtahay inay u wakiishaan xilka saraakiisha la shaqaysa, xataa hadduu dallaco way ku cuius tahay inuu faraha kala baxo shaqadii uu hore uga dallacay ee loo dhiibay sarkaal ka hoos shaqeeya. Tusaale ahaan waxaa jiray nin agaasimaha qaybta gadidda ka ahaa shirkad weyn oo alaab kala duwan soo saarta dalka Maraykanka waxaa loo dallacsiiyey agaasimihii agaasime guud, laakin ninkii loo dhiibay jagadii laga dallacsiiyay umuu dhaafin shaqadiisa ee sidii hore ayuu u maam- ulaayey. Marka waxaa dhacday in shaqadii qay- bihii hoos u dhacday agaasimihii la keenaba waa laga beddelaa markii dambe ayaa la keenay agaasime lagu yaqaanno karti markii uu shaqa­dii bilaabay ayuu agaasimihii guud sidiisii faraha ula soo galay.

Markaasuu xaashi shaqo ka tagid ah u qoray gud- )omiwhii shirkadda waxaanu ku yiri: Markaan bil sha- idii P&day waxaa ii caddaatay inaan shaqadii wadi irayn, faragelinta Madaxda awgeed, waxaa meeshii ka uuqatay inaan anigu ahay agaasime magaca kali ah ivaamiirta shaqadu ku socotona ay ka imaanayso agaas- laha guud, anigu ma aqbali karo inaan qaado xil nin lie amarka bixinaayo marka sidaasan shaqadii uga gey markaasuu ogaaday guddoomiyihii shirkaddu tbabta qastay qaybta wax gadidda waxaanu amray gaasimihii guud inaanu mar dambe fara gelin arrimaha •o xilsaaray agaasimayaasha si ay u muujiyaan artidooda.

Qisadani waxay inoo faa’iidaynaysaa cashar qiimo ayn leh oo ah ninka jagada sare hayaa inaanu waqti u slayn wax ka qabadka mashaakilka yar yar ee hoose, tarka haddaad jago sare u dallacdid isu diyaari jago ka fiican kor fiiri oo hoos ha u soo noqon.

Sidoo kale saraakiisha kula shaqaysaa waxay u han- al taagayaan dallacaad waxaanay sugayaan markay heli hayeen fursad ay ku dallacaan marka adigu ha ka hor >ogsan horukaca. Tusaale ahaan waxaa jira sarkaal ka laqaynayey shirkad, Guddoomiyahiisa sannad kasta u allan qaadi jiray inuu u dallacsiin doono agaasime, takin sannad kasta wuxuu dallacsiin jiray dad kale.

Markaa wuu qalbi jabay waxaanu u sheegay agaas- nihii inuu shaqadii ka tagayo. Markaasuu u ballan aaday inuu mushaharadiisa laban laabi doono sanadka soo socdana dallacsiin doono. Markaasuu sar- aalkii xaashi qoray uu ku yiri: Kama shaqayn karo . lirkad aanan dallacaad ka helayn ilaa aan istaqaalo eeyo.

Xataa haddii aan aqbalo taladaada igu kalsoonaan laysid, max^a yeelay waxaad ku tala galaysaa inaan haqada ka tagi doono haddii aan helo jago ka sarraysa ma lacag ka badan sida dhabta ah kuma kalsooni bal- mkaagu kula mana shaqayn karo qisadani waxay ina jsaysaa marka qofku ogaado inaadan dantiisa u aabo eelayn ee taada kali ah daryeelaysid in qofkuna kaa amin baxayo fursad kalena raadsanaayo.

Ku talla gal in waajibaadkaagu xagga tababaridda haqaalahaaga aad u wayn yahay ka digtoonaaw inaad oqotid sidii sarkaalkii intuu seeftiisa gilgilay cadawgii weerar ku qaaday kaligii isagoon la socodsiin askartiisii lay weerarka la qaadaan, marka intay istaageen ayey u acab tumeen iyagoo geesi gelinayaa oo la yaabsan siduu kaligii ugu bareeray col dhan marka si aanad gafkaasoo kale ugu dhicin.

Hadba gadaal fiiri in raggaagu kula socdo iyo in kale kuna fiiri indho tababare si aad u hubiso inay casharkii la baray si dhab u fuliyeen iyo in kale.

Ogow in saraakiishaadu shaqo muhiim ah kuu qabanayaan, marka ka digtoonow inaad ku gabood fasho xuquuqdooda, adigu waxaad tahay saaxiibkood, laakin ka mid ma tihid, adigu waxaad tahay garsoora- hoodii ay ku kalsoonayeen caddaaladdiisa, waxaad tahay hoggaamiyahooda ay fuliyaan amarkiisa, waxaad tahay qareenkoodii difaacayey danahooda una gudbinaayey dhibaatooyinkooda madaxda sare si loo mariyo abaalgudka ay mudan yihiin.

 

QAYBTA 4aad

Shaqada Dhinaceeda Bulshada

Shaqadaadu, waxay leedahay dhinac ijtimaaci ah, waxaad xiriir la leedahay madaxdaada, shaqaalahaaga iyo asaaggaa intaba, waxaana habboon in xiriirkaagu seddexdaa kooxood isu miisaamaan yahay, ood mid walba sida ugu habboon ula xiriirtid. Waana xiriir gulco badan oo wajiyo kala duwan leh, waxaanu loo tiriyaa madax badan oo ku fashilmay hoggaaminta inay sababu ahayn fashilkooda gafaf ay sameeyeen xagga xiriirka bulshada kuna tal;agal inaad la dhaqmaysid dad rag iyo haweenba leh, waxaana ka mid ah qaar hadal waqtiga kaaga dhuminaaya xafiiska ama deba- daba waxaa la arkaa inay ciriiri ku geliyaan ama kugu qas- baan inaad ka qaadid tallaabo aadan jeclayn marka waxaa loo baahan yahay baraarugsanaan.

Seddexda Xiriir Ee Shaqada Ku Lug Leh

Seddexda xiriir ee shaqada ku xirayaa waxay saamay- nayaan noloshaada ijtimaaciga ah, waanay adagtahay sidaad u kala moosi Iahayd. Xiriirka ijtimaaciga aheeidiindhexeeya adiga iyo madaxdaada, shaqaalahaaga iyo kuwa kula siman way kala duwan yihiin, hogaamiyaha fariidka ah waa inuu kala garto xiriirka iskhilaafsan mid kastana uu kula dhaqmo sida ku habboon.

Xiriirka kugu xiraya madaxdaada waa xiriir kala sareeyn ah waxaa laga yaabaa in madaxda qaarkood aanay u aabo yeelin kala sareynta iyagoo ula dhaqma shaqaalahooda si jaallanimo ah oon is jufftnayn lahayn haddii madaxdaada noocaa yihiin u dhug lahow inaad tixgelisid xiriirka madaxni- mada marka ay madax kale la jirto.

Xiriirka jaallayaashaada kula siman wuxuu ku dhisan yahay tartan maldahan maxaa yeelay mid kastaa wuxuu u hanqal taagayaa dallacaad iyo horumar uu ku dhaafo saaxiibadii.

Shaqaalahaagu way ku xurmaynayaan laakin haddii aad u degtid heerkooda oo aad dhexgashid il xurmo iyo tixgelin kuugu flirin maayaan, waxaanay ogaan doonaan ceebahaaga iyo daldalooladaada. Markaa waxaa loo baahan yahay inay kaa muuqato xiriir kala sarrayn ah madaxda iyo dadka madaxda loo yahay, taasina ma aha inaad ka fiican tahay laakin waxaa jiri darbi qarsoon oo u dhexeeya madaxda iyo shaqaalaha kaasoo ah darbiga mas’uuliyada iyo xilka culayskiisa.

Xiriirka Ijtimaaciga Ee Kuugu Xiraaya Saaxibadaa

Xiriirka ijtimaaciga ee kuugu xiraaya saaxiibada wuu ka xorriyad badan yahay midka kuugu xiraaya madaxdaada iyo kuwa aad madax u tahay, maxaa yeelay waa dad aad siman tihiin oo aydan waxba kala qarsanayn marka ka xishoon maysid kana biqi maysid, wixii aad qabtid si cad baad ugu sheegaysa waxaad jeceshahayna waad ka kacaysaa.

Haddaba ogow in xiriirkaaga sidaas ah uu halis kuugu yahay sababto ah waa muraayad laga daawanayo xaqiiqada dhaqankaaga, haddii aad ceebo leedahaynna haddiiba way muuqanaysaa sidaad ogtahay dadka saaxiibada waxay ku jiraan tartan dhexdooda waxaana imaan doonta maalin ay danahoodu iska hor imaan doonaan marka ceebihii iyo falal- kii aad ku kici jirtay ee ka soo ifbaxay maalmihii aan wax la kala qarsanyn waxaa loogu shaqaysanayaa hub la isku reebo tartanka horukaca loogu jiro. Tusaale ahaan haddii la rabo in jago sare laguu dhiibo waxaa la arkaa in saaxiibkaa sheego uu qarsoon oo kaa hor joogsanaysai jagadaa sare ka jir xiriirka xorta ah waxaa lagaa duubtaa cajalad.

Xiriirkaaga Dadka Aad Madaxda U Tahay Ee Ijtimaaciga Ah

Xiriirka ijtimaaciga ee shaqaalahaagu kugu xiraaya aad buu uga muhiimsan yahay intaad u malaynayso, maxaa yee- ^lay, horukacooda ayaa kuugu xiran waxaa laga yaabaa in qaar shaqaalaha ka mid ah xiriir gaar ah kula leeyihiin ama aad guriga ku martiqaadid marka ninka hoggaamiyaha waa inuu ka digtoonaado in dadkaa xiriirka gaarka la leh ka faaiidaysan ama u muujiyaan shaqaalaha kale inay ku mati- layaan. Hoggaamiyuhu waa inuu dhex dhexaad u yahay sha­qaalihiisa waa inaanu kala soocin uu u simo fursadaha horukaca, waa inuu caadil ahaado oonu u kala eexan una ogoolaan shaqaalaha guriga ugu tegi karaa inaanay isku hal- leyn wax gaar ah na u oggolaan.

aragtidaada nala wadaag...