Cutubka 4aad

Habka Gudbinta Fikradaha Iyo Iswargelinta

Waxaa innoo soo hormaray in fanka hoggaamintu ku d’nisan yahay saddex dhar-dhaar oo kala ah: Xiriirka aad a m i ga, go’aar, qadashada iyo u gudbinta fikrooyinka dadka kaie.

Marka labada hore waan soc qaadannay, halkaan waxaan ku qaadanaynaa qavbta saddexaad oo ah gud­binta fikrooyinka ama dhacsiinta dadka waxaad qabtid.

Codkaagu Ma Gaaraa Dadka Arrinku Khuseeyo Dhammaantii?

Isu gudbinta fikradahs wax ku oolka ah waa midda bar3arujisa dadka ee ku xambaarta dhaqdhaqaaqa iyo waxqabadka, hoggaamiyaha guulaysanayaa waa midka xariifka ku ah gudbinta fikradihiisa, kartidana u leh dhacsiinta dadka waxa uu qabo, waxaynu ognahay in ereygu yahay dhaqaajiyaha ugu miihiimsan ee qofku wax ku qaban&yo, maxaa yeelay hadalkaa summad u ah fikradaha iyo falalka qofsta.

QAYBTA 1aad

Muujinta Fikradaha

Dadku wuu kala hadli ogyahay wuu kala aftahansan yahay, waanu kala gudbin ogyahay fikradaha ay qabaan marka haddaad aragtid nin kaa dhacsiin og fikradihiisa ha ka biiqin inaad ku guuleysan adigu sidiisoo kale. Maxaa yeelay mar haddii qofku maskax furan yahay waxaa ku filan inuu arrinka si fiican ugu baaraandego ka dibna isku habeeyo fikradihiisa marka wuxuu awoodi karaa inuu u taijumo fikraddiisa ereyo, iyagana ugu muujin karo ficillo.

Mana aha gudbinta fikraddu inaad khudbayso ee waxaa jira siyaabo badan oo aad dadka ku dhacsiin kartid waxaad qabtid, tusaale ahaan markaad amar bixinaysid, markaad sharraxaysid hab cusub oo hawsha loo fuliyo.

Warbixinta aad u diraysid madaxdaada si ay ula socdaan wax qabadka Waaxda aad ka madaxda tahay. Xaashida aad u diraysid nin rukun kuu ah ood ugu sheegaysid sababta badeecadu dib ugu dhacday, sidoo kale la kulanka shaqaalahaaga, waxaasoo dhammi waa habab lagu muujinayo gudbinta fikradaha, haddana habkaas oo faahfaahsan aan qaadanno.

Ku guuleysiga hoggaanmintu wuxuu u baahan yahay codkamimadaada iyo kartidaada dhageysiga dadka kula xiriira. Aasaaska xiriirka shakhsiga ee wax ku oolka ah waa kartidaada dhageysiga dadka kale.

Haddii aad ku guulaysato dhageysiga dadka kale waxaad burburisay darbiyadii idin kala ooday adiga iyo shaqaalahaaga, waxaanad abuuraysaa xaalad is- afgarasho oo dadka u diyaarinaysa inay aqbalaan talooyinkaaga, fikradahaaga iyo amarradaada. Maxaa yeelay waxaad u muujisay markaad dhegeysatay fikrada- hoodii iyo mashaakilkoodii inaad qiimaysay dadnima- dooda iyo aqoontooda. Waxaa caado ah hadduu qofku hadlo inuu faydo wuxuu caloosha ku haysto, marka haddaad si fiican u dhageysato adigoo qaddarinaya hadalkiisa, waxaa baaba’aya canaadkiisii caloosha ugu qarsoonaa uu ku diidi lahaa talooyinkaaga amaba ku horjoogsan lahaa.

Marka ha dhayalsan dhageysiga dadka xiriirka kula leh.

Waa Inaad Dadka La Warantid

Waxaa ka mid ah waajibaadka hoggaamiyaha inuu talooyin siiyo dadka uu madaxda u yahay iyo inuu u sharaxo siyaasadda hay’adda uu hoggaaminayo, sidoo kale waa inuu la isocodsiiyo madaxdiisa dhaqdhaqaaqa waaxda uu hoggaaminayo iyo ra’yigiisa sida loo hormarinayo iyo wixii mashaakil ah ee jira. Marka adigoo adeegsanaya xiriirka tooska ah waxaad ka dhigi kartaa shaqaalahaaga koox mideysan oo isu kaalmaysata gudashada waajibaadka shaqada.

Waa inaad u dhug lahaatid in xiriirka tooska ah ee ka dhexeeya madaxda iyo shaqaalaha uu yahay halbaw- laha guusha hoggaamiyaha libinta keena. Marka had­daad xiriirkaa goysid ood dadka iska xijaabtid ogow inaad ku fashilmeyso hoggaaminta wacan. Waana inaad daacad ku ahaatid macaamilada aad la leedahay madax­daada iyo shaqaalahaagaba, haddaad isku daydid^ khiyaano iyo dhagar ogow in lagaa war heli doono kad- dibna lagaa aammin bixi doono, ka dibnalaad ku fas- hilmi doontid hoggaaminta, kalsoonaan la’aanta awgeed.

Fanka Gaarsiinta Talooyinka Iyo Amarrada

Amar-bixintu waxay u baahan tahay karti dhab ah habka gudbinta iyo wax is-dhacsiinta, maxaa yeelay awaamiirta qaladka loo fahmo waxaa loo fuliyaa si fool xun oo laga yaabo inay ka dhashaan natiijooyin dhibaata keena.

Waxaa waajib ah marka amar la bixinayo inuu cad- daan yahay waxa la is farayo hana u qaadanin inay garteen dadkaad amarka siisay ujeeddadaada marba haddaad adigu garanayso. Waxaana lama huraah ah inaad si fiican ula socotid laba arrimood markaad amarka bixinaysid:

  1. Waa in amarku aad .u cad yahay si fududna loo garan karo.
  2. Inaad aad uga fiirsatid ereyada iyo dariiqada aad amarrada u soo saaraysid.

Waxaa jira in amarka qaawan ee hanjabaadu ku jirto dhaliyo calool xumo iyo diiddo qarsoon. Amarka – loo bixiyo si rajo iyo tixgelin ka muuqato wuxuu dha- liyaa natiijooyin wax ku ool ah, maxaa yeelay dadkii waxaad ula dhaqantay si tixgelin iyo qiimeyn leh, waana taas dariiqada dimoqaraadiga ee shaqada lagu fulin karo. Haddiise ay jiraan dadka qaar ku habboon amarka tooska ee kulul waa in lagu talo gaio.

Haddii aad ka maqashid saraakiisha iyagoo leh anagu kuma qaadanno mushaharka inaan fekcrno, taasi waa xilka guddoomiyaha falkaasi wuxuu ku lusayaa inay jirto dhaliil laguu soo jeedinayo xagga habka maamul- kaaga, marka hubso dhaliilahaas oo isa sax haddii ay jiraan ceebo.

Toban Talo Oo Ku Saabsan Gaarsiinta Amarrada

Waxaa halkaan lagu soo koobay toban talo oo laga soo dhex xulay casharradii ina soo maray oo ku saabsa- naa amar bixinta iyo dhacsiinta dadka amarradu khu- seeyaan waana kuwan:

  1. Intaadan arrinka u xilsaarin qofka fulinaaya aad uga baaraandeg oo dhan walba ka iiiri si aad u bubsatid inuu yahay amar la fulin karo.
  2. Aad u hubi in sarkaalka aad arrinka u xilsaartay uu gartay ujeeddada iyo habka loo fulinayo.
  3. Aad uga fiirso doorashada qofka aad u xiisaaraysid fulinta amarka adigoo hubin&ya kartidiisa, raaskax- diisa, waayo-aragnimadiisa xagga gudashada xilka la saaray.
  4. U hadal si caddaan ah, amarkuna waa inuu ahaado mid toosan oon murugsanayn.
  5. Hal mar ha bixinin amarro fara badan, maxaa yeelay taasi waxay dhalisaajaho wareer iyo iska hor-imaad, haddii amarradu badan yihiin waa in la qoro oo la faahfaahiyo si sarkaalka mas’uulka ka ah fulinta haddiiba u fahmo.
  6. Iska hubso in amarradaadu caqligal yihiin oo la fulin karo, hana u xilsaarin sarkaalka aad madaxda u tahay waajib aanu gudan karayn.
  7. Haddii sarkaalka arrinka loo xilsaaray ay ku adkaato inuu fahmo amarka ha ku caroonin, hana ku jeesjeesin, maxaa yeelay afxumada iyo quursiga waa waxyaabaha hortaagan hagaajinta xiriirka fiican.
  8. Iska hubi in dariiqada aad raacayso munaasib u tahay dadka aad xukumaysid, si aad u beddcshid haddii aanay ku habboonayn.
  9. Aad u h ubi inaanay a waamiirtaadu ka”hor imaanayn amarro aad horey u bixisay, maxaa yeelay amarrada iska hor-knaanaya waa aafada gudbinta talooyinka.
  10. Hubso in sarkaalku si fiican u fahmay amarka aad siisay, haddii aad ku celceliso amarka ama weydiiso inuu kuu sheego siduu u gartay way fiicnaan Iahayd.

Siyaasadda Wax Is-Dhaadhicinta

Waxaa ka mid ah waajibaadka hoggaamiyaha fuliyaha ah inuu ayido siyaasadda ay ku socoto hay’adda uu u shaqeeyo waana inuu awood u leeyahay dhacsiinta shaqaalihiisa siyaasaddaa iyada ah, sidaas bay siyaas­adda hay’addu ku noqon kartaa xaqiiqo jirta oo la taaban karo.

Shaqaaluhuna wuxuu helayaa jid toosan oo uu kula socon karo hay’addiisa iyo nidaamka ay ku shaqaynayso, maxaa yeelay iyaga waxaa dan u ah ku dhaqanka nidamka toosan oo qeexan kaasoo keenaya is-afgarad iyo isku kalsoonaan.

Gudbinta talooyinka iyo ra*yiyada waa fan, marka waa in loo raaco dariiqada ugu habboon ee lagu qancin karo sarkaalka u xilsaaran fulinta arrimaha, haddii la dhayalsado ama la kari waayo in loo caddeeyo arrimaha sarkaalku warsado, si uu u guto hawlaha loo xilsaaray ee laga rabo inuu qabto amarkii, u fuli maayo sidii loogu tala galay.

La Talinta Saraakiisha

Mar haddaad hoggaamiye tahay waxaa kaa saaran xil dhibaatooyinka shaqaalahaaga, waxaa jira inay sha- qaale badan kuula imaanayaan mashaakilkooda, iyagoo kaa codsanaya in aad wax’ifala qabatid xallintooda, haddaba haddii arrinkaasi ku qabsado ha dhibsan, waxaa la arkaa qaarkood inay kuula Tyimadaan arrimo ka baxsan shaqada isku kiin xiraysa, waxaa la arkaa badankoodu inay ku kaaftoomaan inaad ka dhagaysato mashaakillada haysta ood u muujiso oo kaliya naxariis iyo garawsho.

Wax isdhacsiinta waxaa ka mid ah dareenka iyo fahmidda mashaakilka dadka kale. Marka si aad u fahamto mashaakilka saraakiisha kula shaqaysa waa inaad u degtid heerkooda ood dejisid naftoo’da dhinaca ay ka joogaan arrinka.

Mabaadi’daan hoos ku qoran waxay kugu caaw- inaysaa sidaad u dareemi Iahayd una kaalmayn Iahayd saraakiisha aad madaxa u tahay waana kuwan:

Toban Qaacido Sidaad Wax Ugu Qaban Lahayd Sarkaal Mushkilo Haysato

  1. U dhaaf sarkaalka hadalka, hana la murmin.
  2. Ha isku dayin inaad markiiba hadalka la wareegtid ama aad maamushid qaybinta hadalka.
  3. U muuji inaad la socotid xaalkiisa, kana damqa- nayso dhibaatadiisa.
  4. Ha la talin xataa aad ka dhagaysato mashaakilka dhammanteed, taladaaduna ha ahaato mid guud ahaaneed oo daacadnimo ku jirto.
  5. Ha u jeedin su’aalo ku qasba inuu faydo arrinmaha u qarsoon, maxaa yeelay adigu ma tihid xeer ilaaliye.
  6. Isku day inaad ka dhadhamisid erayadiisa waxyaa- baha uu ka warwareegayo inuu sheego, si aad ugu baraarugtid waxyaabaha uu iska dhawrayo.
  7. Haddii mashaakilladu tahay muran dhexmaray saraakiisha kula shaqaysa ku dadaal inaad dhexdhe- xaad ka ahaatid murankooda.
  8. Kulanku waa inuu gaar u ahaado adiga iyo isaga kali ah, hana ku kalifin inuu arrimihiisa gaarka ah qof saddexaad uga sheekeeyo ama uu shir kaga war- ramo, haddii aanu isagu sidaa rabin.
  9. Marna faraha ha la gelin mashaakilka shaqaalaha ee gaarka ah.
  10. U gudo waajibaadkaaga qancinta saraakiisha si ku habboon xilka aad haysid una muuji inaad qiimay- nayso mushaakilladiisa aanad jeceshahay inaad wax kala qabatid inta tabartaada ah.

Habka Wax Isku Dhacsiinta Dariiqada Edbinta

Hababka wax isdhacsiinta waxaa ugu muhiimsan midka edbinta ama ciqaabta qofka shaqada ku gabood fala, maxaa yeelay waxaa lagu isticmaalayaa sifooyinkii hoggaaminta oo dhan – sida kartida gudbinta talooyinka, caddaaladda, dareenka mashaakilka dadka kale. Edbinta caddaaladda ku’dhisani waa nooc waxbaridda ka mid ah, waxaana waajib ah in la qanciyo qofka ciqaabta edbinta mutaystay sababta loo ciqaabay haddii kale wuxuu u qaadanayaa in la dulmay.

Waxaa jira toban qaacido oo la soo xulay inay kugu caawiyaan edbinta wax ku oolka ah, waana kuwan:

  1. Si fiican uga baraari deg gafka dhacay adigoo isku dayaya inaad ka fiirsatid dhinaca qofka gafay iyo dhinaca hay’adda lagu xadgudbay nidaamkeedii labadaba.
  2. Xusuusnow inaan gefku aad ula weyneyn qofka sha­qaalaha sida uu adiga kuula weyn yahay, marka xisaabta ku dar inaad dareensiiso dhumucda gafki- isa markaad ciqaabaysid.
  3. Ha ku canaanan qofka gafay dadka hortiisa si aanad ugu hor ceebeyn asaaggiisa.
  4. Ka digtoonow inaad go’aan soo saartid intaadan koobin dhammaan xaqiiqooyinka dhacdada saamaynaya.
  5. Ha la doodin qofka gafay, ana oggolow fursad uu isku difaaco oo uu ku muujiyo ra’yigiisa. Go’aankaa- gana ku dhis xaqiiqooyinka huban markaad si cad u muujisid gafka dhacay iyo ciqaabta lagu muda- naayo, dariiqadaas ayuu ku xaqiiqsanayaa caddaaladdaada.
  6. Ha jeedin khudbado wacdi iyo hanuunin ah, maxaa yeelay middaas adiga kaa sugi maayaan.
  7. Ha ku xadgudbin dhaliisha, tusaale ahaan: ha dhihin waxaa idiinsuuroobi -ahayd sidaa si ka fiican inaad fashaan ama aad tiraahdid waxba maad qaban. Waxaana la arkaa in crayadaasi muran aan loo baahnayn dhaliyaan.
  8. Noqo garsoore deggan oo xasilan hadday caadifada caradu kaa adkaato waxaad u muujinaysaa dadka daciifnimadaada, hadday caro ku qaadqaadayso jooji shaqada intaad ka qaboobayso, maxaa yeelay go’aanka aad soo saartid adigoo careysan waad ka shallayn doontaa.
  9. Kori u damqashadaada dhibaalooyinka dadka kale, si aad u baratid boogaha halista ah ee xisaabta lagu daro marka qof la edbinaayo.
  10. Baro dadka aad madaxda u tahay, si aad u kala ogaatid kuwa ku habboon in si kulul oo adag loola dhaqmo iyo kuwa u baahan sasabada tirtirsiga iyo geesi gembi, marka qof kasta kula dhaqan xaaladda ku habboon dabeecaddiisa

Habka Wax Isku Dhacsiinta Xagga Qiimaynta Shaqada

Waxaa jira inaanay siiaqa’iiuhu isku si u gudannin xilkooda, haddii aan la kala ogaan siday shaqada ago kala fiican yihiin, waxaa dhacda inaan la kala garan karayn kii wax wanaajiyey iyo kit wax halleeyey. Marka’ waxaa ka mid ah xilka madaxda inay si cad u kala yaqaannaan siday dadku shaqada ugu kala wanaagsan yihiin, si loogu kala abaal-mariyo.

Waxaa jira inaanay madaxda qiimo weyn siin qad- darinta dadka shaqada fiican, laakiin haddii ha! mar g&f dhaco ay dunida kicinayaan qaylo iyo canaan. Marka caddaaladdu waxay keenaysaa in ninkii si wanaagsan « sbaqeeyey loogu abaal gudo waiuag, horukacna loo sameeyo, kii aan si fiican u shaqaysanna la hauuimiyo lana toosiyo si uu u hagaago. Haddii si isku mid. ah laga dhigo ninka daacadnimada iyo hagar la’aama ku sha­qeeya iyo kan ma shaqaystaha ah, waxaa ku dhalanaya ninkii wanaagsanaa qalbi jab, waxaanu ku biiri kara ma shaqaystaha, halkaasay shaqadii ku curyaamaysaa.

QAYBTA 2aad

Sidaad Ugu Guulaysan Lahayd Ulana Qabsan Lahayd Shir Ama Fadhi

Haddaad u fiirsato koox kubbad dheelaysa waxaad arkaysaa inay dhexdooda u tartamayaan dhalinta goolka si uu sharafta guusha u helo, isla markaana kooxdoo dhan way wada dadaalaysaa si ay goolal badan uga dhaliyaan kooxda ka soo horjeedda. Marka adigu waxaad tahay nin ka mida kooxda hay’adda aad u shaqaysid waxaad la tartamaysaa kuwa asaaggaaga ah si aad hay’adda guusha ugu fiican ugu soo hoysid, isla mar­kaana dhammaan shaqaalaha hay’adda waxay u wada shaqaynayaan inay guul ka soo hooyaan hay’adaha kale ee la tartamaya.

Marka sidaad u jeceshahay adigu inaad horukac samaysid ayey asaaggaagana u jecel yihiin, marka waxaad ku jirta Iaba tartan, mid waxaad kula jirtaa saaxiibbadaa midna adiga iyo saaxiibbadaada ayaa u wada jira si aad ugu soo hoysaan hay’adda guul iyo horukac. Marka si aad guushaa ku gaartid waa inaad aqoon dheer u leedahay shaqadaada, kartidaada iyo awooddaada gudbinta fikrooyinkaaga. Meelaha aad ku muujin karto ragannimadaada waxaa ugu muhiimsan ka qayb galka shirarka, maxaa yeelay shirarku waa meesha qofku ka jeedin karo talooyinkiisa kana muujin karo ra’yigiisa, waa meesha lagu barto qof kasta kartidiisa, dadnimadiisa iyo waxyaabaha uu hibada u leeyahay, ka qayb galka shirarka waa jidka loo maro jagooyinka sare, marka ha u daymo la’aanin inaad kartidaada si daacad- nimo iyo hufnaan ah uga muujisaa fadhiyada aad ka qayb galayso ama aad madaxda u noqonayso.

Sifooyinka Hoggaamiyaha Shirarka

Sifada aasaasiga ah ee laga rabo guddoomiyaha shirka waa inuu karti u leeyahay inuu u hoggaamiyo shirka guul si loo gaaro ujeeddadii loo guntay, si taa loo helana waxaa loo baahan yahay inaad fikrad guud ka haysatid shaqadaada, si qoto dheerna ula socotid arrinka la isugu yimid iyo dadka ka qayb galaya fikradaha iyo ra’yiyada ay kala qabaan, waa inaad karti u leedahay doodda adigoon dagaallamin ama aan caroon, maxaa yeelay mar haddii guddoomiyihii shirku caroodo meeshii waa lagu kala tegayaa. Si aad uga dhigtid shirka mid mireeya waa inaad kulmisid madaxda kala duwan ee ka soo qayb galay si is-afgarad iyo isku kalsoonaan loo helo, taa macnaheedu wuxuu yahay inaad aqoonji leedahay nin kasta oo ka soo qayb galay iyo waxa uu loi fekeraayo iyo mowqifkiisa arrimaha l;aga hadlaayo. Sidoo kale shirku wuxuu u baahanyahay siyaaso, waana meel lagu tartamaayo oo qof kastaa wuxuu rabaa in ra*yigiisu meel maro. Marka haddii aad talo jeedinayso waa inaadan ku koobin ra’yigaaga danaha shirkadda ama hay’adda oo keli ah ee waa inaad muujisid maslaxadda iyo danaha ka qayb galayaasha arira aad caddeysid inaanay talooyin- kaad soo jeedisay ka hor imaanayn danahooda, taasina waxay u baahan tahay ka fiirsi iyo aragti dheer.

Wax kastaaba ha dheceene waa inaad marna noqon nin qallafsan ee meel ku dheg ah si aan fikradahaaga iyo talooyinkaaga loo laadin, waa inaad ku tala gashid in ra’yigaaga laga horimaanayo ama la keeni karo ra*yi ka fiican. Marka haddii taasi dhacdo waa inaadan isjaha wareerin ee waa inaad deristid fikradaha cusub, haddii ay ka fiican yihiin kuwaagiina waa inaadan ka boodin, maxaa yeelay adigu waxaad rabtaa in shirka miro fiican ka dhashaan, waa inaad dulqaad iyo adkaysi u leedahay dadka dooftaya inay shirka fashilaanUna oggolaanin in ay ku guuleystaan waxay rabaan.

Sidaad Ula Dhaqmi Lahayd Dadka Is-Hortaagaya Fekradahaaga

Waxaa jira xaalado ay fikradahaagu ka hor imanay- aan danaha dadka shirka ku jira, waxaana hubaal ah inay u jilib dhigayaan si ay u daafacaan danahooda. Marka waa inaad ku tala gashid sidaad dadka u qancin Iahayd, ama aad u oggolaysiin Iahayd fikradaha aad qabtid.

Markaad shirka qabanaysid ogow inaad ra’yigaaga bandhigaysid, marka haddii laga horkeeno fekrado ka ‘ horjeeda ra’yigaaga waa inaadan baqin, ama dib u guran, haddii aad qabtid in ra’yigaagu toosan yahay, laakiin waa inaad faahfaahisid ood ka tustid dhinacyada toosan ee aan looga maarmayn ra’yiga aad wadatid adigoo ku isticmaalaya caqli oo aan caro iyo laab la kac ku socon, hana isku dhiibin kuwa kaa horjeeda, hana oggolaannin inay ku gaarsiiyaan heer ay kugu aamusiyaan, maxaa yeelay haddii aad heerkaa gaarto waxay dtsibaato soo gaaraysaa hay’addii aad matalaysay, danaha qaybta aad maamusho iyo adiga danahaaga, sababtoo ah haddaad shirkii ku fashilanto waxaad noqonaysaa hoggaamiye fashilan. Haddiise shirku go’aan isku raaco waa inaad oggolaatid xataa hadduu lid kugu yahay, maxaa yeelay mar haddii go’aan ia gaaray waa in la wada dhawro si aan arrinku w murgin.

Waxaa qodobkaan ka hadlay Madaxweynihii Maraykanka dagaalkii labaad, Aysan Hawar maalin uu qabta v shir jaraa’id oo qaybaha ciidammada kala duwan ku doodayeen, qolo kastaana caddeyneysay kaalinta ay kae.a jiraan difaaca dalka, wxaanu yiri: Waxaan Kacabsi qabaa in la waayo doodaha adag ee dhexmaraya qay­baha cidammada qalabka sida, laakiin doodahaasi laguma bannaysan karo amar diiddo ama ku gacan say- rid go’aan, maxaa yeelay taasi waa nidaam la’aan. Maal- inta laga waayo ciidanka dhexdiisa ma jiri doono ciidan qalab sida. Marka intaan go’aan la gaarin xoog u difaac siyaasadda aad rumaysan tahay inay xaq tahay, isku day inaad ka hortagtid in ia gaaro go’aan aan dani ugu jirin hay’adda, haddiise mar go’aankii soo baxo waa go’aankaagii.

Ha Ka Noqonin Shirka Dhegeyste Keli Ah

Waxaa dhacda in madax badani shirka iska yimaadaan iyagoon wax ahmiyd ah siinayn marba haadii arrinka laga hadiayaa ka baxsan yahay shaqada ay tooska u maamulaan, markaa si aabo yeel la’aan ah ayey isaga dhagaystaan. Haddii aad sidaa fashid waxaad u muuqanaysaa aqoon-yahan cilmi gaar ah u go’ay oo kale, haddii arrinka laga hadiayaa ka baxsan yahay cilmigi- isana afkiisa xiranaava.

Haddii arrinka laga hadlaya ka baxsan yahay shaqa­daada waxaa la rabaa inaad ka faa’iideysatid aqoon dheeraad ah si aad ula socotid hawlaba dadka kale qabt- aan iyo siday u saamayn karaan shaqadaada haddaad ka shaqayso, matalan: Waaxda iibka qalabka warshaddu soo saarto ood soo jeediso talo ku saabsan tartanka suuqa sidii loogu guulaysan lahaa, waxaad keentay talo iagaa filaayey oo la yaab ma laha, laakiin haddaad talo wax ku ool ah ka soc jeediso hagaajinta qalabka qaarkii ama adkavnta nabadgelyada warshadda, waxaad u muuqanaysaa nin maskax furan oo fekrad wanaagsan, taasina waxay kuu noqonaysaa fursad wanaagsan in laguu dallacsiiyo jago ka sarreysa midda aad joogtid.

Ka Adkaw Mawduucaaga

Markaad ka qayb galaysid shir waa inaad qorshe cad dejisid sidaad u bandhigi Iahayd fikradahaaga, kuna talo gashid doodaha iyo muranka lagaala hor imari doono, waxaana hubaal ah haddii aad si fiican u taqaanid mawduucaaga inay ereyada aad ku muujinay- saa si fudud kuugu hoggaansami doonaan, haddii aad ka adkaatid waxaad ku kalsoonaanaysaa naftaada waana ‘lagu qaddarinayaa, marka waa inaad is diyaarisid intaadan shirka tegin ood si fiican uga haaraan degtid dhammaan wixii la xiriira arrinka aad ka hadlaysid.

La Kulanka Dadka Aad Madaxda U Tahay

Markaacfka qayb galaysid shir ay isugu imaanayaan dad asaaggaaga ah waxaad ogtahay in dood iyo ra^i isweydaarsi idin dhexmari doono, markaa waxaad isku dayeysaa inaad ra’yigooda dhegeysatid kaagana caddey- sid si ay u aqbalaan.

Marka waxaa lagaa rabaa markaad la shiraysid sha­qaalahaaga inaad fursaddoodaas oo kale siisid, inaad fikradahooda dhegeysatid wixii la qaadan karo u muup isid inaad oggolaatay wixii kalena ka qancisid. Haddiise aad keligaa hadashid oodan tixgelin talooyinkooda waxaad u muuqanaysaa nin keligii taliye ah oo ra’yigiisa oo keli ah meel marinaaya, xataa haddii ay jiraan ra’yiyo kaaga habboon kiisa arrinka laga hadlaayo, waxaa laga yaabaa inaadan dareemin inaad shaqaalihii cabburisay ood u malaynayso inaad fursad siisay ood ra’yigoodii dhegeysatay, haddaad arrinka dhab u fiirisona waxaad arki doontaa inaad keligaa uun shirka wadatid dadkii kaiena kaa aamuseen markay arkeen sidaad wax u wad- did, markaa waxaad la mid tahay nin dooxa weyn ka qayliyey oo codkiisii ku soo noqday ama cod gebigii moodaaya in dad kale u jawaabeen.

Haddaba haddii aad rabtid in shirku miro dhalo tixgeli talooyinka iyo fikradaha dadka kula shaqeeya, waxaa laga yaabaa inay ku jiraan kuwo kaa caqli iyo garasho badan ama kaa xog ogaalsan marka ka faa’i- idayso hay’addana uga faa’iidee talooyinkooda.

Turturooyinka Fadhiga Xumeeya

Waxaa jira arrimo yaryar oo aan loo baraarugsa- nayn oo fadhiga haleeya waxaa ka mid ah habka hadalka loo qaybiyo, ama sida dadka loogu yeero, magacy- adooda ama darajadooda, ama isdhageysi la’aan iyo isxurmeyn la’aan, marka haddaad shirka hoggaam- inayso u foojignow wax kasta oo dadka shirka ka soo qayb galay ka caraysiin kara, adiguna iska dhawr carada wax kastoo dhaca. Waa inaadan qofna colaadinin xataa hadday ka horjeedaan ra’yigaaga, maxaa yeelay haddii aad caro iyo colaad muujiso waxaa laguu qaadanayaa nin caadifi ah oon caqli ku shaqaynin, waxaase dhacda marmar caro iska yeel ah oo loo jeedo in dad wax lagu dhacsiiyo ama la dareensiiyo waxyaabo gaar ah. Wax- kastoo dhaco ogow in carada ama hadalka si caro iyo “•cannaan ah loo jeediyo aannu danta shirka ahayn, guulna u hoggaaminayn.

Waxyaabo Shirka Fashiliya

Haddii aad doontid in shirku fashilmo oo laga kala tago waxaa jira ereyo dantaa lagu fulin karo, waana kuwaan:-

Ku qaddar inaad mawduuca ka jeedisid shirka markaad dhammaysid nin saaxiibkaa ah ku yiraahdo “Waa inaad mawduuca ka hadashid” maxaad dareemaysaa markaas, waxaa hubaal ah inaad isku shuqlinayso mucaa.radada mawduuciisa iyo baarista ceebtiisa.

Ku qaddar haddana inaad war bixin ka jeedisay shirka, marka nin kale kaa gooyo hadalka uu ku yiraahdo, qodobkani waa murugsan yahay waxaa la arkaa inaadan helin xaqiiqooyinkii loo baahnaa, maxaad u qaadanay- saa inuu u jeedo, shaki la’aan wuxuu la mid yahay isagoo yiri: “Adigu doqon wax ma garad ah ayaad tahay, anigaa kuu toosinaaya sidaad u warbixin Iahayd; ma jeclaysa- naysaa ninkaa mawqifkiisa, mise dagaal baad ka xigaysaa?

Waxaa ka mid ah ereyada dadka kiciya:- bal aan argno waxaad caloosha ku haysatid, mama flkradan ma aqbali doonno, yaa afgaranaaya, kanna muxuu sheegi doonaa? IWM. Marka ka digtoonow inay ereyo caynkaas ihi ka yeeraan dadka shirka isugu yimid, hadii kalese waa dad ugu soo talo galay in shirka la fashiliyo.

Qiimaha Shaqada Guddiyada

Sida badan arrimaha shirarka looga hadlo waxaa soo diyaariya guddiyo, marka shaqada guddiyadu waa muhiim, maxaa yeelay arrinkii bay^oo baarayaan soo hubinayaan markaasay u soo Kandhigayaan shirka.

Marka haddii guddi laguu magacjiabo waxaa lagu siiyey fursad aad ku muujin karto kartidSada iyo waxtarkaaga, waxaa la arkaa in laguu xil saaro arrimo ka fog xilkaaga caadiga ah taasina waxay kugu xambaaraysaa inaad dadaal dheeraad ah la timaadid.

Sidaad Uga Dhigi Lahayd Shirka Mid Miro Dhaliya

Haddii aad madax ka tahay shirka asaaska ugu horreeya waa inaad qorshe ku habboon ahmiyadda shirka iyo mawduuca laga hadlaayo u dejisid, waa inaad ka fiirsatid in arrinka laga doodayaa yahay mid istaahila in la isugu yimaado oo laga shiro, waa inaad dejisid ajende kooban, hana isku deyin in hal fadhi lagu dhammeeyo arrimo badan, ha u Oggolaan in hal ama laba qof hadalka badankiisa qaataan. Haddii aad bandhigto ratyi ku ladh tusaalooyinka iyo xaqiiqooyinka, kana fiirso ereyada aad isticmaalaysid si aanay carig si iyo canaad ugu buurin dadka qaarkii. Haddii aad tahay ka qayb gale keli ah ha noqonin nin iska fadhiya sida geed meesha ka baxay, ee ku dadaal inaad dhageysato ood fahamto waxa shirka ka socda kana dhiibo ra’yigaaga, isweydii inaad fadhiga ka heshay faa’iidadii aad ka fileysay iyo inaad iska fadhiday ood hadba saacadda fiirinaysaa adigoo degdegsanaya xiridda shirka.

Markaa haddii aadan. ka faa’iidaysanayn maxaad waqtiga isaga dhuminaysaa?

Sidaad Shirka U Maamuli Lahayd

Haddii aad shirka ka madax tahay waxaa waajib ah inaad isu diyaarisid hoggaaminta shirka, iskuna habay- sid waajibaadka laga rabo bilowga shirka ilaa uu ka dhammaado.

  1. Fadhiga ka hor
  2. Isweydii in shirku lagama maarman yahay iyo in kale,
  3. Hubi in meesha shirka lagu qabanayaa munaasib tahay, xagga weynaanta, kuraasta, warqadaha, qali- mada, makarafoonnada iyo qalabka kale ee looga baahan doono shirka oo dhan.
  4. Diyaari wixii xaqiiqooyin iyo warbixinno la hord- higi karo ka qayb galayaasha iyadoo loo habeeyay siday u qaadan lahaayeen go’aan aqoon ku dhisan.
  5. Diyaari su’aalaha laga yaabo in la is warsado inta dooddu socoto. <
  1. Inta shirku socdo
  2. Ku fur shirka waji bashaash ah oo faraxsan waana inaad cadeysid ulajeeddada shirka loo qabtay.
  3. Hor dhig dhammaan xaqiiqooyinka loo’ baahan yahay si loo gaaro go’aan toosan.
  4. Hadalku ha ku koobnaado ajendaha shirka oo ha u oggolaanin in laga baxo mowduuca laga hadlaayo.
  5. Ha dhaafinin waqitigii loogu tala galay, hana sii wadin haddii aad aragtid dadkii oo daalay.
  6. Soo koob wixii fadhiga laga sheegay, kaddibna cad- dee arrimihii go’aanka laga gaaray iyo mirihii ka dhashay fadhiga guud ahaan.
  7. Caddee dadka qaadaya mas’uuliyada go’aanka la gaaray.
  8. Haddii loo baahdo warbixinno ama xaqiiqooyin int- aanu shirku xirmin magacaw guddi soo habeeya arrimaha dhiman, haddii loo bahdo in la isugu soo noqdo fadhiga u qabo maalin la isugu soo noqdo.
  • Shirka kaddib

Haddii shirka lagu kala tago waxaa jira arrimo loo baahan yahay oo ah ilaalinta iyo hirgelinta go’aan- nadii shirka lagu gaaray.

  1. Si loo hubiyo fulinta go’aannada waa in lala socdo oo la kormeero wixii ka qabsamay iyo wixii haray inay jiraan dhibaatooyin ka hor yimid oo xallis u baahan.
  2. La socodsii xubnihii fadhiga wixii ka khuseeya natiijooyinka shirku uu gaaray iyo hirgelintooda.

QAYBTA 3aad

Sidaad Uga Heli Lahayd Natiijooyinka Ugu Wanaagsan Xagga Qoraallada

Mar haddaad madax tahay waxaa waajib ah inaad baratid sidaad fikradahaaga qoraal ugu caddeyn Iahayd. Waxaa jira madax badan oon aqoon siday u qori lahaay­een waxay doonayaan waxay wax u qoraan sida dadka umiga ah ee waxba aqoon xataa ma yaqaanaan higaadda iyo calaamadaha ereyada sida’ loo kala sooco, haddana waxay moodayaan inaan arrimahaasi shaqada waxba yeeleyn.            Waxaana jira in madaxdu kugu qiimaynayso sidaad ugu caddeyso fikradahaaga qoraalka, taasina waxay saamaynaysaa dallacaadda iyo horukacaaga iyo karti­daada sidaad fikradaha u bandhigaysid, maxaa yeelay haddii jagada sare u baahan tahay nin aqoon leh adiguna aadan qoraal wax ku caddeyn karayn laguuma dallacsiin karo jagadaas ee waa in nin ka bixi kara wax qoridda loo raadiyo.

Markaa waa inaad baratid qoraalka haddii damac kaaga jiro dallacaad iyo horukac, laakiin lagaagama baahna inaad qoratid qoraallo heer sare ah sidii nin suugaanyahan ah, waxaase lagaa rabaa ereyada caadig ah ee la isticmaalo inaad fikradahaaga ku muujin karto, waana inaad aqoon fiican u leedahay waxaad qoraysid, kana fekertid mawduuca erey walbana gelisid meesha uu ku habboon yahay si aanay arrimuhu isu dhexgelin.

Habka Wax La Isugu Dhacsiiyo Warbixinnada Iyo Xusuus Qoraalka

Faa’iidooyinka warbixinnada iyo xusuus qoraal- ladu waa inaad la socodsiisaa madaxdaada arrimo ay danaynayaan ama talooyin aad u diraysid saaxiibbadaa ama awaamiir aad u diraysid dadka aad madaxda u tahay iwm. Waxaana waajib ah in loo habeeyo qoraal- lada sidatan:

  1. Inay mawduucii si fiican u cadaynayn.
  2. Inay gaaban yihiin.
  3. Inay ku kooban yihiin mawduuca laga hadlaayo laguna soo darin waxyaalo ka baxsan.
  4. Inaan koobnaantu mawduucihii dhimayn.

Wuxuu ku tilmaamay nin maamulka caan ku ahaa habka qoraalka maamulka sidatan:-

Gaabinta, Xadeynta, Macnaha iyo koobidda qoraalladu waa dhuuxa maamulka wanaagsan. Ragga fuliyayaasha maamulkuna aad bay u yaqaanaan siday u dhaqaalaystaan ereyadooda.

Arrinkii oo kooban:- Markaad qorayso warqad sha­qada ku saabsan iswaafaji dhererka xaashida iyo maw­duuca aad ka hadlaysid iyo ahmiyadda uu siinayo qofka aad la hadlaysid.

QAYBTA 4aad

Noocyada Qoraallada

Si wax isku dhacsiinta qoraallada u noqdo mid wax ku ool ah waa inaad kala baratid noocyada qoraallada iyo mid kasta sida loo isticmaalo waana kuwaan:-

  1. Xusuus qoraal (NOTE)
  2. Xaashi
  3. Warbixin

Xusuus qoraalku waa xog warran gaar ah ood ku wargelinayso madaxdaada ama dadka kale ee maamulka kula wadaaga sida taararka degdegga ah iwm. Waxaa loo baaharf yahay in xusuus qoraalku kooban yahay isla markaana kulansaday arimaha loo baahan yahay in la isla socodsiiyo.

Noocyada Xusuus Qoraallada

Arrimaha xusuus qoraalka la iskula socodsiin karo aad bay u badan yihiin waxaanse ka soo qaadanaynaa kuwaan:-

  1. Xusuus qoraal wargelin.
  2. Xusuus qoraal wax waydiin.
  3. Xusuus qoraal hambalyo.
  4. Xusuus qoraal edbin.
  5. Xusuus qoraal naftaada.
  6. Xusuus qoraal ogaysiin.
  • Q. wargelin waxaa looga jeedaa wareegto lagu caddaynaayo go’aanno oo la gaarsiinaayo dadka ay khusayso sida fasax, magacaabid qof cusub isbed- dello ka dhacay xagga shaqada, waxaana waajib ah in lagu caddeey9 xaqiiqooyinka la rabo in qofku oggolaado.
  • Q. wax waydiintu waa su’aal qoran oo loo jeed- inayo qof mas’uul ka ah arrin ama mawduuc sha­qada ka mid ah, marka haddaad rabtid jawaab kaafi ah u qor su’aashaada si edeb iyo xurmo leh, adigoo ku caddaynayo xaqiiqooyinka aad warsanaysid.
  • Q ogeysiin, waxaa loo isticmaalaa isla socodsiinta arrimaha ku soo kordhay ama dhacdooyinka cusub oo ka dhacay shaqada, tusaale ahaan haddii arrin cusub ka dhacdo waaxda aad ka joogtid maamulka, waa inaad tallaabo ka qaadid, isla markaana la socodsiisid’ madaxdaada waxa dhacay iyo sidaad wax uga qabatay, intaadan warbixin buuxda ka qorin dhacdada. Marka si xusuus ^qoraalka noocaasi waafi u noqdo, raac tallaabooyinkan:-

B — U tilmaan si kooban dhacdada iyo waxaad ka qabatay.

T — Caddee arrimaha la xiriira mushkiladda.

J — Sheeg natiijooyinka ka dhashay tallaabooyinkaad qaadday.

  • XQ hambalyo; marka qof shaqo fiican qabto ama guul ka hooyo meeshii loo diray waa in la qaddaro guushiisa oo laga abaalmariyo, marka kuma fllla hambalyada iyo ammaanta afka ah waa in loo qoro taar ama telekis ama xaashi loogu hambalyeynayo guushiisa, waxaana loo baahan yahay in lagu sheego’ X.Q sababta uu ku mutaystay mahadnaqa iyo tahniyadda.
  • Q Edbinta waxaa loo qoraa qofka shaqada ku gafay ama nadaamka ‘aan dhawrin waxaana lagu caddeeyaa fafka uu falay taariikhdiisa, dhibaatada ka dhalan karta, waxaana lagu xafidaa galkiisa si looga qaado tallaabooyin edbin, haddii uu waan- toobi waayo.
  • Q Naftaada marka aad qabato camal muhiim ah waa inaad xusuus qorkaaga ku qortid waxyaalihii aad qabatay, si aadan u hilmaamin, waxaana lagu magacaabi karaa X. qoraalka hawl maalmeedkaaga wuxuu ku tilmaamay nin maamulka caan ku ahaa X. qoraalka noocaan ah wuxuu iga badbaadiyaa gaf- afka la socod la’aanta shaqada.

Sida dhabta ah X.Q. naftaada waa baraarujiye maskaxdaada ama Xoghayn ku xusuusinaysa tal- laabooyinkii iyo balannadn aad hore u qaadday si aadan u iloobin wixii aad Qabatay, waxaanu Ikfgu caawinayaa isku xiridda fikradahaaga iyo hawl qabadkaaga.

QAYBTA 5aad

Sidaad Uga Heli Lahayd Natiijooyinka Ugu Wanaagsan Warbixinta

Warbixintu waa xoog waran faahfaahsan oo ku saabsan mawduuc xaddidan; sida warbixinnada sha­qada ka warramaya, toddobaadlaha, saddex bilood- laha, sannadlaha waxaanu ka sheekeynayaa wixii dhaqdhaqaaq ah ee la qabtay muddadaas.

Markaad kor u fanatid jagooyinka sare ee maamulkaba waxaa kordhaaya tirada iyo tayada warbixinnadaada, maxaa yeelay warbixinnadaada iyo kuwa saaxiibbadaa ayaa saldhig u ah shaqada hay’adda ama shirkadda, waana kaas asaaska laga ambaqaadayo qorshaha lagu socodsiinayo dhaqd- haqaaqa waqtiyada soo socda.

Habka Loo Qoro Warbixinnada

  1. Cinwaanku waa in uu caddaan yahay si loo garto markiiba ulajeeddada. ‘
  2. Waa in la uruuriyo xubnaha iyo xaqiiqooyinka ku lug leh mawduuca laga hadlaayo
  3. Xubin kasta u dhig cinwaan gaar ah.
  4. Xubin kasta ka hadal inta kaaga aaddan mawduuca.
  5. Kaddib isku dubbarid xaqiiqooyinka xubnaha isu- xigsii siday isu leeyihiin ama isula xiriiraan.
  6. Ku khatin talooyinka aad soo jeedinayso sidaa wax looga qabanaayo wixii dhibaatooyin jira ama horu- ‘kac la samayn karo.

Haddii la soo koobo tallaabooyinka waxaa lagu koobi karaa sidatan:- Isku dubbarid xaqiiqooyinka, u bandhig si haba!ysan, kala soo bax natiijooyinka muhiimka ah, ku khatin talooyinkaagaa.

Ceebaha Warbixinnada

Waxaa laga soo saari karaa warbixinnada ceebo badan, waxaanse ka soo qaadanaynaa laba ceebood oo loo baahan yahay in laga dheeraado:- Khiyaanada iyo Dheeraynta.

  1. Khiyaanada: Waxaa loola jeedaa inaad warbixinta ka been sheegtid ama aad xaqiiqooyinka beddeshid.

Waxaa jira in dadka qaarkii markay ogaadaan in xaqiiqooyinku ka horjeedaan aragtidooda qariya ama beddela, marka haddaad sidaa yeeshid ogow in qof kale faydi doono waxaad dabooshay markaana arrinkii laga dhigi doono wax aad uga weyn dhumucdiisii, waxaana loo qaadan doonaa inay jirto sabab kugu xambaartay inaad sidaa ku kacdid, falkaasi waa fursad dahab ah ood ugu deeqday dadka kaa horjeeda si ay hawshaadii u ceebeeyaan. Haddii ay jiraan xubno ka horjeeda aragti- daada waxaad ku nabajd gelaysaa inaad sheegtid kad- dibna aad caddaysid sidaa aanay dan ugu ahayn hay’adda xubnahaa iyaga, adigoo ku daray ra’yigaaga.

  1. Dheeraynta:-

Dheeraynta waxaa loola jeedaa inaad hadallo tira badan oo laga maarmi karo ku dartid warbixintaada, marka laga hadlaayo maamulka looma baahna inaad sida suugaanyahan aftahan ah u hadashid, waxaa lagaa rabaa keliya inaad caddaysid ulajeeddada kuna gaartid sadar- rada ugu yar ee suurtoobi kara adigoo isticmaalaya ereyo sahlan oo qofkastaa dhaqso u garan karo, isla markaa waa inaadan ka tegin xubno ama xaqiiqooyin lama hur- aan u ah warbixinta waa in hadalka iyo macnaha isku qiyaasan yihiin. Hore ayaa loo yiri ula hadal dadka hadba inta heerka garaadkoodu joogo, markaa waa inaad tixgelisaa dadka aad u qoraysid warbixinta hadba siday u rabaan ee ha u qorin sidaad adigu rabtid, waxaa laga yaabaa in dariiqadaadu ka wanaagsan tahay midda madaxdaadu rabto, laakiin hayso dariiqadaada fiican oo u qor sida lagaa rabo, meel ku dheggu waa darbi hor- taagan maamulka marka noqo nin maskax furan oo shaqada u jajajabn isna waafaji dariiqadaada wax qoridda iyo dariiqada madaxdaadu wax u rabto.

Sidaad Ugala Soo Bixi Lahayd Warbixinta Murti Kooban

Sidaad ogsoon tahay waxaynu ku jirraa casrigii deg- degga, marka tixgeli markaad warbixinta qoraysid in waqtiga ninka akhrisanayaa aad qaali u yahay. Marka si ninka loo qoray warbixinta si dhaqso ah ugu fahmo kala soo bax warbixintaada nuxurka asaasiga ah iyo talooyin­kaaga, marka dhawr sadar baad ku soo koobaysaa mur- tida warbixinta iyo xubnaha asaasiga ah si markaa isha lagu dhuftaba loo garto ulajeeddada, marka hadduu rabo faahfaahin wuxuu ku noqonayaa warbixinta weyn ama xubinta uu arko inay muhiim u tahay shaqadiisa.

Haleelsiinta Warbixinta

Waxaa dhaca mararka qaarkood inay jiraan waxy- aalo taabanaya mawduuca, laakiin aan asaasi u ahayn waxyaabaha waa haleelsiin warbixineed, si aad u kala garatid waxa warbixinta ka mid ah iyo waxa haleelsiin- taa ah, isweydii su’aashaan haddii aan ka reebo xogtaas xujooyinkii la iga rabay ma daciifayaan?

Haddii jawaabtu tahay haa ku dar warbixinta, had­dii ay tahay maya ku dar haleelsiinta. Haddaba markaad la kulantid arrimo loo baahan yahay in lala socodsiiyo qofka warbixintu u socoto, isla markaana aan asaasi u ahayn ku qor warqad gaar ah .00 ah haleelsiin warbixi­need, si aad u kabtid ama aad u xoogeysid.

Hanuuniyaha Habka Loo Qoro Warbixinta Wacan

  1. Iska hubi in qoraalkaagu yahay mid caqli gal ah kuna dhexjira arrinka laga.hadlaayo.
  2. Ha ka reebin xaqiiqooyinka asaasi ah, adigoo is leh qofkaad u qoraysaa wuu kaa warqabaa.
  3. Ha ku maanshaynin dadka loo qoray warbixinta faahlaahin aan lagama maarmaan ahayn, haddii ay- kula qumanaato faahfaahinta noocaas ah ku qor haleelsiinta.
  4. Ku bilow warbixintaada hadal gaaban oo caddey- naya xubnaha ay ka kooban tahay warbixintu si marka isha lagu dhuftaba loo garan karo mawduuca iyo natiijooyinka aad gaartay.
  5. Ha fududaado qoraalkaagu, kuna qor ereyada la isiicmaalo waqtiga aad joogtid.
  6. Gaabi qoraalkaaga adiga lagugu qiimayn maayo dhererka warbixintaada, laakiin waxaa lagu*qiimay- nayaa waxtarka fikradahaaga iyo waxqabadkaaga.
  7. Iska sax gafafka naxwada, ereyada iyo yeeriska, yaanay warbixintaadu muujinin aqoon darradaada.
  8. Adigoo fikrad wada mid kale ha u boodin, oo had­dana dib ha ugu soo laabanin, ama hadba xubin ha u boodin, adigoon tii hore dhamaynin.
  9. Dir warbixintaada waqtigeeda, wararka waqtigoodu’ dib uga dhacaa xiiso ma leh.
  10. Ogow in warbixintu tahay muuqaalka habka maam- uluhu u gudbinaayo fikrooyinkiisa, waxaana laga yaabaa in la halmaamo hadalkaaga, laakiin qoraal1 kaagu waa diiwaan qoran oo waaraya.

QAYBTA 6aad

Sida Fursadaha Looga Faa’iidaysto

Waxaa jira rag badan oo tartan ugu jira inay heer sare ka gaaraan maamulka, iyagoo isku haleynaya dadaalkooda gaarka ah, adiguna dadkaas ayaad ka mid tahav, marka waa inaad horukac ka samaysid shaqa­daada oo kashatid karti, waayo-arag, iyo aqoon, si aad ugu gudubtid tallaabada ku xigta aayatiinkaaga.

Haddii aad u qaadatid jagada aad haysid inaad ugu tababartid jago sare waad garatay jidka guusha, marka ujeeddada xaddido kaddibna u tabaabushayso sidaad u gaari Iahayd.

Kaasho Qodobadaan Si Aad U Gaadho Horukac

Qabo inta ugu badan ee aad awoodi kartid, waxaa lagaa rabaa karti iyo adkaysi si aad u fuliso hawlahaaga. Waxaana jira da^vj^adar^esu’aalli ka ah jagada ayjoog- aan, marba hadday haystaan mushaharo ku filan, iska jir kuwaas ina&i ka mid noqotid, u hanqal taag horukac iyo dallacaad una shaqayso.

Habka Ay U Tababaraan Shirkadaha Qaarkood Maamulayaasha

Nin la oran jiray KARAL J. oo madax ka ahaa shirkad sanaaci ah oo Maraykan ah ayaa ka sheekeeyay dariiqada shirkaddiisu u diyaariso madaxda qaybaha shirkadda, waxaanu yiri sidatan:-

  1. Ma oggolaanno dallacaad dhaqso leh oo jaga sare loo boodsiiyo qofka isagoon ugu yaraanjooginshan sano jagada hoose.
  2. Waxaan ku laylinaa-hawlaha adadag isagoo lagu tijaabinayo marka hore hadduu ka baxo waxa loo xilsaaraa mid ka sii adag, ilaa uu ka gaaro darajada uu u qalmo.
  3. Aad baan u adkaynaa dhawridda xiriirka aadamiga, hoggaamiyuhu waa inuu ku fekero marka hore xaaladaha dadka uu madaxda u yahay.
  4. Si qofku isugu fillaado waxaanu siinaa layli, laakiin isagaanu shaqada faraha kasaarnaa, kuna kor- meeraa ilaa uu gaaro heer lagu hallayn karo ama lagu aamini karo.
  5. Waxaan ku geesi gelinaa saraakiisha aqoon kororsi shaqadooda ka baxsan, si ay u ballaariyaan garaad- kooda aqoonta kala duwan. .
  6. Nin kasta oo diyaar u ah inuu hore u socdo waxaanu ku geesi gelinaa si uu u gaaro meesha uu higsanaayo ama jagada uu hanqalka u taagayo, laakiin waa inuu heegan u yahay inuu fanto jiiraha ad-a.dag ee jagooyinka sare loo maro.

Hoggaamiyaha Fuliyaha Ah Waa In Uu Yahay Muxaafid Iyo Horusocod

Ninka hoggaamiyaha ah waxaa ku loolamaya naftiisa laba xoog oo iska hoijeeda, waxaa laga rabaa inuu ilaaliyo wixii guulo ah ee hadda ka hor la gaaray, taasina waxay u baahan tahay xoog ku waardiyeeyo in wax kastaa sidiisii hore u socdo oon waxba laga beddelin, wixii gefaf ah ee soo dhexgalana laga saxo. Isla markaana waxaa jira xoog kale oo u hanqal taagaya in shaqadii la ballaariyo wax soo saarkii la kordhiyo, wixii cusub ee soo baxaa laga faa’iideysto. Marka hoggaamiye kastaa oo guulaysta waa inay kala jiitaan labadaa xoog, waxaase loo baahan yahay inuu ku socdo miisaan iyo qorshe habaysan, si uu labada xoog ugu wada shaqaysto, maxaa yeelay midna lagama maarmo, haddaba hoggaamiyahaa laga rabaa siduu u xafidi lahaa wixii horu­kac hore loo gaaray iyo sidii loo samayn lahaa horukac cusub.

Tilmaamaha Hoggaaminta Guusha Dhalisa

Way innoo soo hormareen sifooyinka hoggaam­iyaha wacan, halkaana waxaan ugu soo celinaynaa si loo xusuusto, waana kuwaan iyagii oo kooban:-

  1. Baro naftaada meelaha ay aad ugu fiican tahay iyo meelaha ay daciifka ku tahay.
  2. Isku kalsoonow kana adkaw naftaada.
  3. Xariif ku ahaw ku qancinta dadka ra’yigaaga.
  4. Tababaridda dadka aad madaxda u tahay waa waaj­ibaadka maamulka wacan.
  5. Ra’yiga toosan waa calaamadiia h’oggaanka toosan.
  6. U qorshaynta aayatiinka hay’adda waa waajibaadka maamulaha.
  7. Waxaa loo baahan yahay fikrado waxtar ah si wax cusub loo dhaliyo.
  8. Aqoon qoto dheer oo ballaaran u yeelo shaqadaada.
  9. Iska jir baylihinta iyo xoolo moogaanta.
  10. Waa in shaqada loo wada qabto sidii hal koox oo mideysan.
  11. Xiriirka aadamiga ee wanaagsan wuxuu ku dhisan yahay kartidaada, fahmiga, baahida dadka kale.
  12. Dadka aad madaxda u tahay way ku anfacayaan ee waa inaad u barbaarisid.waxyaalaha ay hibada u leeyihiin, si ay kaalintooda u qaataan.
  13. Jago kasta oo cusub waxay u baahan tahay halgan gooni ah marka u jajabnaw halganka cusub markaad jago cusub qabatid.
  14. Ku geesi noqo xallinta mashaakilka iyo qaadashada go’aan adag marka arrini ku qabsato.
  15. Xariif ku noqo macaamilada dadka iyo wax dhacsiintaba.
«

Ha ka joogsan marna kororsiga aqoontaada xagga cilmiga maamulka, maalinta aqoon kororsigaagu joogsado horukacaagii halkaasuu ku egyahay. Arri- mahaas oo dhan iyo qaar kaleba waxay ku baahsan yihiin kitaabka, haddaad doontana waad ku noqon kartaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *