Boqorka iyo Galleyrkiisa

Jeems Bidaarguul

Jankiis Khaan wuxuu ahaa boqor weyn oo dagaalyahan ahaa. Wuxuu ciidankiisu isagoo hogaaminaya kuduulay Shiinaha iyo Furus, wuxuuna qabsaday dhulal badan. Waddan kasta, dadkiisa waxay sheegi jireen ficiladiisii; waxayna yiraahdeen illaa xilligii Aleksandar-kii Weynaa, boqor Jankiis la mid ah lama arag.
Maalin maalmaha ka mid ah, isagoo deegaankiisa jooga, dagaalna uu ka nastay, ayuu isagoo faras saaran duurka galay si uu usoo ugaarsado. Waxaa la socday saaxiibo fara badan. Socdaalkooda waxaa ka muuqday farxad, waxayna siteen qaansooyin iyo leebab. Gadaashooda waxaa daba socday adoomadooda oo watay eeyaal.
Waxay ahayd koox ugaarsato oo dhameystiran. Keyntii waxaa laga maqlayay qeyladooda iyo qosolkooda, waxayna filayeen in ay la hoydaan ugaar aad u fara badan.
Boqorka gacantiisa waxaa dul fadhiyay galleyr uu aad u jeclaa, waayo waagaas galleyrada ugaarsi ayaa loo tababari jiray. Hal eray ayuu mulkiilaha ku oran jiray, markaasey cirka u duuli jireen iyagoo raadinaya ugaar. Hadey nasiib wanaag arkaan sagaaro ama bakeyle, waxay soo dagi jireen iyagoo usoo dhacaya sida fallaar la soo ganay oo kale.
Markuu habeenki soo dhawaaday, waxay ugaarsatadi bilaabeen in ay dheelmadaan. Marar badan ayuu Boqorku dhex maray keyntaan, waddooyinka si fiican ayuu u yaqaanay. Haddii ay ugaarsatadii qaadeen waddadii ugu dhoweyd, Boqorkii wuxuu qaaday waddo dheer oo dhex marta waadi ku yaala laba buurood dhexdooda.
Maalintaa maalin aad u kulul ayey ahayd, Boqorkiina aad ayuu u oomanaa. Galleyrkiisi mar hore ayuu gacantiisa ka duulay, waxaa hubaal ahaa in uu galleyrku iskii u dheelman doono.
Boqorka si tartiib ah ayuu u watay faraskiisa. Mar hadda ka horeysay ayuu aagaan ku arkay balli biyo nadiif leh, khaasatan waddaduu hadda marayo. Yaa mar un tusa balliga! Laakiin maalmihii kululaa ee jiilaalka ayaa qalajiyey balliyaashi buuraha ku yaalay oo ay biyuhu ka soo burqan jireen.
Ugu danbeyntii, wuxuu aad u farxay markii uu arkay biyo ka soo dhibcaya dhagax dhinaciisa. Wuxuu ogaaday in uu kor jiro balli. Xilligii roobabka, wabi ay xawaarihiisu aad u xoog badan yihiin ayaa meeshan ka qulquli jiray; laakiin hadda wuxuu isu badalay hal dhibac oo marba soo dhacaysa.
Boqorkii faraskii ayuu kadagtay. Wuxuu boorsadiisa ugaarsiga kala soo baxay koob fidda ah. Wuxuu u hoos dhigay dhibcihii soo dhacayey.
Waqti dheer ayey ku qaadatay in uu koobki buuxsamo; Boqorkana aad ayuu u oomanaa, si adag ayuuna u sugay. Ugu danbeyntii wuu buuxsamay. Wuxuu saaray bushimihiisa, wuuna cabbi rabay.
Mar un, sharqan ayaa laga dareemay hawada, koobkiina gacantiisa ayaa laga riday. Biyihii oo dhan dhulka ayey ku daateen. Boqorkii kor ayuu eegay si uu u arko ciddii falka ka danbeysay. Waaba galleyrkii uu jeclaa!
Galleyrkii ayaa cabbaar dul heehaabay balliga, kadibna dul dagay dhagax balliga agtiisa ah. Boqorkii koobka ayuu dib u qaatay, haddana wuxuu u hoos dhigay dhibcihii biyaha.
Goortaan wax badan ma uusan sugin. Koobka barkiis markuu buuxsamay ayuu u qaaday xagga afkiisa. Laakiin intuusan taabsiin bushimaha, galleyrkii ayaa hoos u soo duulay mar kale, gacmaha Boqorkana ka tuuray koobkii.
Hadduu Boqorki xanaaqay. Mar kale ayuu isku dayay in uu cabbo, markii saddexaadna galleyrki ayaa cabbitaankii u diiday.
Markaas ayuu Boqorki aad usii xanaaqay. “Sidee baad saan iigu gali kartaa?” ayuu yiri, “Haddaad ii gacan gasho, qoortaada ayaan maroojin doonaa!”
Mar kale ayuu koobki buuxiyey. Laakiin intuusan isku dayin in uu cabbo, wuxuu galka ka siibtay seeftiisa.
“Hadda Jaalle Galleyrow,” ayuu yiri, “waa markii ugu danbeysay!”
Intuusan hadalkii dhameysan, galleyrkii ayaa soo dagay oo koobki gacantiisa ka tuuray. Laakiin Boqorka intaas ayuu rabay. Intuu seefta la dhacay ayuu shimbirkii la helay isagoo agtiisa maraya. Galleyrkii maskiinka ahaa ayaa dhulka ku dhacay, isagoo dhiig baxaya oo ku dhimanaya cagaha milkiilihiisa agtooda.
“Dhibkaaga wixii kaa raacay waa kaa!” ayuu yiri Jankiis Khaan.
Laakiin markuu koobkiisi raadiyay, wuxuu arkay in uu ku dhacay meel uusan gaari karin oo laba dhagax dhexdooda ah.
“Si kastaba ha ahaatee, waa in aan ka cabbo balliga,” ayuu isku yiri.
Markaas ayuu billaabay in uu kor u fuulo dalcadda buurta si uu u gaaro meesha ay ka soo dhibcayaan biyaha. Shaqo adag ayey ahayd, kor markuu usii korana, haraadka ayaa kusii kordhaya. Ugu danbeyntii meeshi ayuu gaaray.
Dhab ahaantii, meesha waxaa ku yaalay balli biyo ka buuxaan, laakiin waa maxay waxaas balliga dhex jiifa, uguna dhowdahay weyninkiisu in uu buuxiyo balliga oo dhan? Wuxuu ahaa mas weyn oo dhintay, oo ah nooca ugu sunta xun.
Boqorki wuu istaagay. Wuxuu iloobay haraadkii ku dhaganaa, waxa uu ka fikirayo oo kaliya waa meydki shimbirki miskiinka ahaa ee jiifa dhulka, buurta agteeda.
“Galleyrka ayaa nafteyda badbaadiyey!” ayuu ku dhawaaqay, “laakiin maxaan abaal marin uga dhigay? Wuxuu ahaa saaxiibkii iigu ficnaa, waana dilay!”
Buurti ayuu ka soo dagay. Shimbirki ayuu si tartiib ah dhulka uga qaaday, kuna riday boorsadiisa ugaarsiga. Kadibna faraskiisa ayuu fuulay, una dhaqaaqay dhanka hoygiisa. Wuxuu isku yiri:
“Maanta waxaan bartay cashar murugo badan; wuxuuna yahay, inaad waxba sameyn markaad xanaaqsan tahay.”

aragtidaada nala wadaag...