Sidaan meelo badan ku aragnay ama ku arki doonno, waxaa jira gabayo badan oo Sayidku mariyey oo dhowr tuduc laga helay oo meel laga doono ama laga haybiyana la waayey. Inta laga hayo qaarkood waxay ku tusayaan in ay qaayo lahaayeen. Gabaygan soo socda ayaa ka mid ah kuwa lumay, wuxuuna Sayidku yiri:
Haddaan waayay calan lay nashiro, tan iyo Nayroobi
Miyaan waayay naamuus janniyo, daalac iyo naasil
Haddaan waayay Ciiddoo1, naqliga inaan Nugaal daaqo
Miyaan waayay neefaan xarbada, naallo ugu fuulo
Haddaan waayo ruux iga naxoo, ii nasabad sheegta
Miyaan waayay naxariis Alliyo, Nebiga jaahiisii…
1. Ciid: Waa dhulka ciidda guduudan ee oomanaha u badan.
ereyga ‘ciidoo’ oo ku jira beydka saddexaad waa in xarafka ‘d’ la labanlaabaa, waxana sax ah ‘ciiddoo’.
mahadsanidin
adaa mudan, Maxammuud.
Dadnimo iyo gobanimo waxaasaa la yiraahdaa, han gobeed waa kaas
hadaan waayay calan lay nashiro tan iyo Nayroobi
maantay ragga joogah damacoodu waa Gaalkacayo oo labba qaybood ah
iyo ragga ku xerooday qolbadda yar oo Burca iyo Hargeysa
nasiibdaro
Ciiddoo naqliyo weeye eraygu
hadaan waayey ciidoo naqliyoo, nugaal inaan daaqo
miyaan waayey neefaan xarbada naallo ugu fuulo