Monthly Archives: May 2014

Maantii Asaayuhu Dhacay

Galabti Gurdumi ee rag ku tashaday in Sayid Maxamad dabin loo dhigo si loo dilo, ninkii u digay oo magaciisa la oron jirey Cabdi Garaad Yuusuf wiil uu dhalay ayaa jeer danbe xaruntii yimid iyadoo dagaalkii Gurdami laga joogo dhawr sano. Kolkaasuu Sayid Maxamad wuxuu ku tashaday inuu wiilka ka abaalmariyo wanaaggii aabbihii u galay si wanaagsanna u soo dhaweeyo. Markaasuu gabaygaan xarunta dhexdeedii ka tirshay si uu Daraawiishta u ogeysiiyo ama kula dardaarmo inanka loo samafalo. Wuxuuna Sayidku yiri:

Maantii isaayuhu dhacee, dunidu aafowday
Maantuu Ogaadeen sidii obo, i boobaayey
Maantuu adduunkaygii dhacay, ariyo geeliiba

Maantay Cabbaas1 ku ajaleen, awlixii waranka
Maantii Iblayskii Iljeex2, na ibtilaynaayey
Idilkiiba Subayr maalintuu, oboda ii dhiibay

Maantaan islaan iga naxiyo, ehel xigaal waayey
Arbow Ina-Garaad Yuusuf3, baa aanadey galaye
Waatuu akhbaartii i yiri, aaminka ahayde

Waa tuu isagu iiga degay, ooglihii farase
Inkastoo amxaaro u kacee, ferenji aanaystay
Usaga iyo ubadkuu dhalayba, waw abaal gudiye

Maruun baan amah bixi, haddaan iilka lay dhigine
Markuu roob onkodo baan lahaa, ilindidow geeye
Aroos iyo waxaan rari lahaa, awra jeexya lehe
Waxaan omoska sii marin lahaa, xamarro oog dheere

Usna manta keer soo ambaday, inankii weeyaane
Sidii aabbihiis oo kalaa, laga idaayaaye
Wuxuu iila ekoon yahay midaan, ina illaawayne

Alaakoodsha oo wiilku, yuu agab la’aan sheegan
Afka wuxuu ka dooniyo, wuxuu uur ka rabo siiya
Ninkii loo ixsaan falahayaba, iniq u dheereeya.

 


1. Aw-Cabbaas: Wuxuu ka mid ahaa kooxdii Sayid Maxamad Maka u raacday, kadib Darwiis buu noqday waxaana lagu dilay Gurdumi.
2. Iljeex: Xuseen Yuusuf Xirsi, wuxuu ka mid ahaa shirqoolkii Gurdumi raggii abaabulay.
3. Ina-Garaad Yuusuf: Garaad Cabdi Garaad Yuusuf, waa ninkii Sayidka u digay shirqoolki Gurdumi.

Eelkii Qabsaday

Darwiishka la oran jirey Cabdalla Shixiri wuxuu ahaa Xoghayaha Dibadda ee Daraawiisheed, wuxuuna ku hadli jirey afka Sayidka intaanu fakan, wuxuuna aqoon u lahaa afafka Ingiriiska, Carabiga iyo Talyaaniga. Hase ahaatee isagoo Cadan jooga ayaa Ingiriis xoolo badan ku bantookhay, kuwo kale oo joogto ahna u ballan qaaday haddii uu Sayidka iyo Daraawiish ku ballan furo, waana yeelay. Dabadeed, farriin qarsoodi ah ayuu u dirsaday xaaskiisii, caruurtiisii iyo xoolihiisii dariiqada joogay si ay xarunta uga soo fakadaan, markiise laga war helay Cabdalla Shixiri inuu ballan furay, lana ogaaday dadkiisii inuu fakanaayo, iyagiina waa la laayey xoolihiina waa la dhacay, Sayidkuna gabaygaan yar ayuu u mariyey:

Eelkii qabsaday reer Catoosh arax gariirtaaba
Ilma daadisaa iyo sidii aar u oroddaaba
Afka duubtaayaa iyo gafuur umal taagtaaba

Isku eebataa iyo nin kale eed ku dadabtaaba
Ardiyeysataa iyo dillaal oon ka dhigataaba
Ingiriiska eygaa sidii Eebbe baridaaba

Nin ibtilo ku dhici baa tahaye urug la taahdaaba
Amminkii habeennimo hurudada alad booddaaba
Raggii uu waraabaha abxaday agas u qaaddaaba

Asay xidhatayaa amase weer, kugu abaadyaaba
Ashkatootayaa iyo warqado ku andacootaaba
Ararihiyo dibaddaa martoo naga ufootaaba

Awtaamisaa iyo sidii geel o oloshaaba
Arki meysid ina-Shixiryow1 inamadaadiiyee
Adiguna amxaar baad tahaye ehel nijaaseede.

 


*Waxaan ka qoray Aw-Daahir Afqarshe.
1. Cabdalle Shixiro.

Jidka Adari Loo Maro

Guyaashii dagaalku ka dhex socday gumaysigii Ingiriisku madaxa u ahaa iyo Daraawiish, dagaalkiina dhulka Soomaaliyeed gees walba ugu fiday, ayaa dad badan oo Soomaali ah gumaysigii raaceen iyagoo u adeegaya. Markii weerarkii, gabagabihii iyo dooxatadii bateen, nabadgelyadiina geed dheer oo aan laga soo rogi karin lagu laalay, oo ay Daraawiish iyo dad intiisa kale noqotay. Afxumadii iyo edebdarradiina ay tardhaaftay ayaa Sayidku gabaygakan tiriyey. Usagoo dadka colka u ah u gooddinaya, ama Daraawiish ku goobaabinaya dagaal iyo aargudasho, una tilmaamaya dadka uu doonayo in lagu duulo ama waxyeello loo geysto, gaar ahaan Ingiriis, Amxaaro iyo dadkii raacay ayuu yiri:

Xuseenoo ikhwaan baynu nahay, uur ka soo baxaye
Allaa igu ogoo waa rabaa, aynigaad tahaye
Oroh kalana waa eray yaraan, kuu erganayaaye

Wax alifka lagu qaadayaa, aayadaha diine
Waa kuu iftiimayn sidii, oogta waaberiye
Afar halaan kuu alaladey, balaan adiga kuu sheego

Haddii aanan Majeerteen sidii, ari u iideynin
Ararsamiyo iiddoor haddaan, iranka loo qaadin
Oo aanan irbaha dheer ka jarin, eyda reer Hagara

Awlaxa haddii aanan la dhicin, niman Ogaadeena
Nin ankiray shareecada haddaanu, eedin taladiisa
Kii oroh xumaan jiray haddaanan, aabbe kaga yeerin

Ololaha colkaan wado haddaan, laga ashaatoobin
Jidka Adari1 loo maro haddaan, laga ugaaroobin
Meesha iyo Iimey2 haddaanan, weerar ku ekaynin

Ilkadheere3 iyo Luuq4 haddaanan, lagu awaareynin
Ajiga Waama joogow haddaan, oloku soo gaarin
Adduunyada haddii anan ka shabin, tan iyo Aw-Dheegle5

Nin adduunyo foofsada haddaan, uunka laga waayin
Bullaxaar6 agteediyo hadaan, Awdal7 yaacin
Ooryaha Amxaaradu haddaanay, Cadan ka awlaynin

Ingiriiska eyga ah hadduusan, baqe ku aynfaadin
Goortaan awaawiyo hadduusan, oogsan oo cararin
Agabtiyo haddii uusan qubin, aaladdiyo seefta

Haddii aan islaaxi Berbera8, lagu abaaroobin
Oo anan albaabada qufulin, ila xirkii daarta
Oo ayan eber noqon kobtii, la istareexaayey

Igarriyo9 haddii aanu rag kale, aakhirow hoyannin
Oo aanan sidii aar libaax, wax u unuun goynin
Soomaaliyoo idil haddaan, laga imiil qaadin

Ab uu yahayba aadamigu haddaanu, eeratuu diririn
Oo aanan u aar gudin raggii, naga afdhowraayey
Allaylehe islaan baan ihiyo, umalku waa beene.

 


 

*Waxaan ka qoray Cabdi Axmed Tuuhe.
1. Adari: (Herer) Waa magaalo ka mid ah kuwa ugu filka weyn Soomaaliya. Taliskii Axmed Gurey waxay u ahayd xarun, xagga islaamkana horukiciisa caan bay ku ahayd. Hadda waxay ka mid tahay dalka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho.
2. Iimeey: Waa buur go’an oo ku taal webiga Shabeelle xaggiisa sare. Daraawiish baa degtay 1920 oo ka dhistay laba daarood oo dagaal waana meeshii SAyidku ku geerioodey oo lagu aasay.
3. Ilkadheere: Waa tuulo webiga Weeb la yiraahdo ku taal oo Lebishilindi iyo Hilimadow u dhaxeysa, jeerkii horena xeri fadhiyi jirtay.
4. Luuq: Waa magaalo caan ah. Waxaa loo yaqaan Luuq-Ganaane, waxayna ku taalla webiga Jubba bartamihiisa.
5. Aw-Dheegle: Waa magaalo webi Shabeelle ku taal oo u dhaxaysa Afgooye iyo Jannaale.
6. Bullaxaar: Waa magaalo fil weyn oo ku taal xeebta u dhaxaysa Berbera iyo Saylac.
7. Awdal: Waa magic waayadii hore la oron jirey Saylac.
8. Berbera: Waa magaalo fil weyn oo u taal xeebta badyarada Cadmeed.
9. Igarre: Xaaji Muuse Igarre. Wuxuu ahaa la-taliye Ingiriiska daacad u ahaa, ciidamadiisana ka tirsan, waxaana lagala tashan jirey arrimaha Soomaalida, gaar ahaan Daraawiish iyo sidii loo baabbi’in lahaa iyo sida dagaalka loo maammulayo.

Ismaaciil Mirow

Ismaaciil Mire oo guuto Daraawiish ah oo korjooga ah ku haysta buurta Ceeldhaab, dhulkana wax degma ah aan lagu ogeyn ayaa ilaalo diray, dabadeedna wuxuu ogaaday inay tahay degmo Daraawiish dakana ka qabtay oo guban ka soo baxay. Kolkaasuu Sayidkii wuxuu u diray gabay farriin ah oo wuxuu yiri:

(A)

Aabbow xaqeygii ma deyn, igana duugowye
Nimankii ikhwaankii dilaa, meel dhow soo degaye
Dabka xalay badweyn iiga baxay, waan ku diirsadaye
Dantayna ma aha inaan daayo oo, dib uga laabmaaye
Raggii aan la dibad meeri jiray, doorkii laga laayey
Kolkii shalay Ammaan laga dilay, dib isu laabeene
Waa daaluqsaday Xaashigii, ugu da’ weunaaye
Ducaaliyo ma wadin Jaamac-Cudur, inay dambeeyaane
Kollay habrey dooxdaan Ilaah, deeqi waa badane
Duullaanka may soo baxshaan, dagay kufaarkiiye.

Gabayga Sayidkii markuu maqlay, waxaa u muuqatay hadalkaasu inuusan Ismaaciil ku habbonayn, oo uu dadkii kala didiyey, dabadeedna wuxuu jeediyey canaan waayeel, wuxuuna yiri:

Ismaaciil1 Mirow taladu waa, eyddin kaa maqane
Maandhow umuurtaadu waa, ababa’deediiye
Maandhow adduun wuxuu ahaan, waadan idihayne

Maandhow aqoonxumadu waa, ku ambineysaaye
Maandhow ninkaan edeb lahayn, waa Allow sahale
Maandhow aqliga ha iska lumin, Eebbahay magane

Maandhow raggii aakhiraad, igu ohomsiinee
Maandhow sidii ibilka way, ololinaysaaye
Maandhow waxaad igu akhriyi, uurkutaalada’e

Maandhow ikhwaanki ma deyn, urugadiisiiye
Maandhow alleylkii dhaxaan, alaladaaye
Maandhow ilmada ha iga qubin, kaa afeeftamaye

Maandhow nin umal saaqayoo, ururxun baan ahayee
Waxaan awlaaxu rabinayaa, aarsi dirireedee
Maandhow awaal dagatey baan, aawilahayaaye

Maandhow Ducaaliyo2 Ammaan3, waayey araggoode
Maandhow kuwii iga ajalay, waa rkaa bixiye
Aniguba ayaamaan lahaa, ha isallaaweene

Maandhow abaabaa kuu wadi, abadankeygiiye
Maandhow dadkaad eriday baan, ururinaayaaye
Maandhow ooho baan oron sidii, aaran baadiyahe

Maandhow intay iigu iman, odayadoodiiye
Maandhow iliilahakaney, awr ku soo furiye
Maandhow berry soo ekaan, ari sidiisiiye

Maandhow ixsaan lagama tago, eed haddaad faliye
Maandhow ninkaad iniqdo, waa ku oggolaadaaye
Maandhow haddaan inamo raro, way i aaminiye

Maandhow idday waxaan ku bogan, waa irdha la’aane
Maandhow ninkaan aa’i, waw aamusahayaaye
Aflagaaddadaadaan ka baqi, inay ogaadaane

Maandhow sidii aarka dhici, waw iigalaclayne
Maandhow ilaaq baan ku wadi, aarankaan diliye
Maandhow ku eersaday hadday, iga ufoodaane

Maandhow ugaadhaba xirkaa, laga agloolaaye
Maandhow urtaan mari sidii, adamaddoonkiiye
Maandhow arbaha ha iga didin, oofataan ahaye.


 

*Waxaan ka qoray Aw-Axmed Aaden Surgo’.
1. Ismaaciil Mire: Wuxuu ka mid ahaa ammaan-duulayaashii ciidamada Daraawiishta, wuxuuna ahaa raggii dagaal iyo duullaanba wacdaraha dhigay goobaha badankoodna galay.
2. Ducaale: wax yaqaan lama helin.
3. Ammaan Axmad Aaden.

Saw Ma Aha?

Muslin iyo gaalba dadkii Sayid Maxamad Cabdille ka gees ahaa waxay ku tilmaameen inuu dawgii sharciga ka tallaabsaday oo dil iyo dhac u bareeray dad wixiisna xalaalaystay.

Haddaba isagoo ka warramaaya naftiisa iyo ujeeddadiisiiba xagga islaannimada, Ilaahaqoonta, xagga jihaadka iyo aftahannimada, deeqda iyo xagga walaalnimada ayuu Sayidku gabaygaan mariyey oo wuxuu yiri:

Nin Ilaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaalaaya
Ashahaado loo qoray nimaan, kala illaaweynin
Oo aan inkirihayn xaq waa, la oggolaadaaye

Nin salaadda awqaadda, faral u addimoonaaya
Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya
Oo aan afurin soonku, waa bilaha iideedee

Adduunyadiyo xoolaha ninkii, aragti dhiibaaya
Oo inuu ohay yiraah, ka istixyoonaaya
Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin

Nimaan diinta aafo u galayn, aakhiruu sabanka
Oo aan amxaarada sidii, obo u yaaceynin
Oo gaalka ooradu ku taal, u askareynin

Nimaan abuurka Soomaaliyeed, ka anfi taageynin
Oo aan ajuurada kufriga, ugu adeegeynin
Oo aan ardiga beesadeed, u ashtakoonaynin

Nin jihaad ohoominahayoo, ubaxa loo saaray
Ingiriiska eyga ah ninkii, ugu uneexaaya
Oo libin ajri leh soo heloo, or iyo geeraar leh

Nimanyahow aqoonxumadu, waa ardaalnimo e
Asaraar ma fiicnee, runbaa lagu arooraaye
Ninkii aynigaa lagu yaqaan, aw islaan ma aha?

Shir aguugay waayeel abyamay, talo ashaaddowday
Irda jiqa albaabo isku xiran, eel la bixin waayay
Xaajadaas afraha duubatee, loo olmami waayay

Nin aqoon leh aw iyo haddii, odaya loo saaro
Inkastoo ayaan iyo ayaan, lagu oloollaado
Ninkii maalitaa ka arrinshaa, aaqil aw ma aha?

Wiiwiida qaylada haddii, uubatadu yeedho
Sangootida ilwaadda leh haddii, agabka loo qaato
Awaaraha buska leh maalintuu, Xamar abraaraayo

Maantii warmaha oofta iyo, adhaxda lays gooyo
Maantuu aboodigu ku lalo, ubaxa loo daadshay
Maantuu isaayuhu ka dhaco, idil dagaalkeeda

Maantii fuluu naga ordo, alaba soo rooro
Maantii raggaan loo ilayn, naga ugaaroobo
Maantaa ninkii aarsan sow, aarka dhacay ma aha?

Nimaan edabdarroonayn xil, waa laga ajoodaayee
Aflagaadda aan jirin, nimaan kuula imaanaynin
Oo kaa asluubanahayoo, kaa istixyoonaaya

Ab uu yahayba aadniga ninkii, same ekeynaaya
Abtirsiinya kii xigay nimaam, iniq u dheereynin
Addoomaha Ilaahay nimaan, kala irdheyneynin

Ninkii aammusoo shib ah haddii, erey xun loo geysto
Aan kula ekeekamin intuu, urur ku soo joojo
Aan xaajo awgeed la gubay, ubucda jeexaynin

Anfaaciga adduunyada nimaan, ku anfariiraynin
Oo xeeryo soor lagu akhatimay, ibir ka yeelaynin
Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siineynin

Intuu aqalka baanjiyoo, nimaan aradda guuguulin
Aagaanta ciirta nimaan, aaska dhigaynin
Oo aan qumbaha awdinoo, ilaxirkow jiidan

Aaqibadii loo galo nimaan, kala illaaweynin
Oo kuu ixsaan fali intuu, edge adduun joogo
Oo aan abaaldhaca aqoon sow, akhiyaar ma aha?

Ari badan lo’ iyo geel intii, mulug adduunyaada
Ugub dhalaya qaalmaha umulee, laga unuun gooyey
Eeraan fardood iyo gammaan, aradka duulaaya

Aqal weyn aroos bilic leh oo, ilaxir loo yeelay
Inan quruxsan oo lagu ashbahay, uunsi iyo kheyli
Oo qool asliya loo gashoo, jalamtu eedaami

Nasteexiyo wanaag nikii, ilindi kuu keenay
Umuurtii aad leedahay ninkii, kuu abaynaaya
Adduunka iyo aakhiro ninkii, kuu aslaaxinaya

Ninkii maalinta iillaan tahay, aana kugu qaata
Oo aan abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin
Itaal xumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha?

 


*In kastoo aan niman kala duwan ka dhugsaday, haddana gabaygaan waxaan ka qoray Xaaji Maxamad Ileeye 1956kii, wuxuu ka mid ahaa raggii xarunta ku haray waxna ku bartay. Waxaan Xaaji Maxamad kula kulmay ceelka la yiraahdo Dhallaama-Cune oo degmada Buuhoodle ku yaal.