Yearly Archives: 2014

Cumar

CUMAR BIN ALKHADDAAB (AMIIRUL MU’MINIIN)

”Dadkii idinka horreeyey waxaa kamid ahaa dad la ilhaamiyo, haddiina uu umaddeyda ku jiro qof (la ilhaamiya) waa Cumar”

Sidaa waxaa yiri Rasuulka Alle (SCW).

Abuu Xafsah Cumar bin Al Khaddaab, waa mid kamid ah saxaabadii suubaneyd ee udgoon badane xabiibkeenii Muxammed SCW. Waxuu ahaa mid kamid ah raggii Rasuulka SCW ka ag dhawaa, waa mid kamid ah tobankii Jannada loogu bishaareeyay iyagoo dunida guudkeeda saaran, iyo weliba amiirkii ugu horeeyay ee Mu’miniinta oo idil amiir u noqdaa. Waxuu ahaa khaliifkii labaad ee khulufaa’u Rashidiinka, iyo qofkii ugu horeeyay ee salaadda taraawiixda jideeyo in halmeel lagu tukado, iyo qofkii ugu horeeyay ee amray taariikhda hijriyada in la qoro.

Inaayadiisu waxay ahayd sidan: Cumar bin Al Khaddaab bin Nufeyl bin Cabdulcuza bin Rayaax bin Cabdillaahi bin Quraddi bin Razaax bin Caddiyi bin Kacab bin Lu’ay bin Qaalib bin Fihir (Qureysh) bin Maalik bin Nadar Al Qurashi Al Cadawi. Waxuu ka dhashay qoomyowga Qureeshta gaar ahaan jilibka banii Caddiyi bin Kacab oo Qureeshta u qaabilsanaa dhanka garsoorka iyo kala xukmidda dadka is qab qabsada. Aabahii waxuu ahaa mid kamid ahaa saadaaddii banii Cadiyi iyo odayaashii Qureeshta ugu caansanaa, isaguna Cumar waxuu kamid ahaaa raggii ugu muuqdat ashraafta Qureesheed, weliba kuwii ugu caansanaa ee geesinnimada lagu yaqiinay.

Hooyadii waxaa la oran jiray Xantamah bint Hishaam bin Muqiirah bin Cabdillaahi bin Camr bin Makhzuum Al Qurashiyah Al Makhzuumiyah. Waxay la dhalatay Abuu Jahal bin Hishaam, sidaa darteedna Abuu Jahal waxuu Cumar u ahaa abti. Cumar reer abtiyaashii waxay ahaayeen jilibkii Qureeshta u qaabilsanaa arrimaha dagaalka iyo hoggaamintiisa. Sidaa darteed waxuu Cumar ka dhashay laba jilib oo kamid ah kuwii ugu cad caddaa Qureeshta dhexdeeda oo ugu dhex muuqday. Waxuu Cumar ahaa waqtigii jaahiliyada mid wax waliba kusoo dhacsada xoogiisa iyo karti uu Illaah siiyey, waxuuna ahaa mid dabci adag oo aan waxbo laga duudsan karin laguna dhici kareyn. Waxuu ahaa geesi aan gambasho aqoon oo Makka iyo hareeraheeduba caan ka ahaa. Oo waxuuna ahaa mid aan Islaamka iyo waqtigii Jaahiligaba aanan laga adkaan.

Cumar bin Al Khaddaab waxuu caan ku ahaa xoog iyo geesinnimo, waxuuna u ahaa Qureeshta safiir ay u dirsan jireen arrimaha ay ku dhici waayaan. Mathalan markii ay isku dhacaan Qureeshta iyo qola kale oo ay ku haggaagi waayaan inay ergay u dirsadaan iyagoo ka cabsi qabo in ergeygaasi laga dilo, bay diri jireen Cumar bin Khaddaab oo Carab idil ay ka haybeysan jirtay.

Waxuu dhashay Cumar kadib dhacdadii Caamul Fiil (Sanadkii maroodiga) muddo laga jooga 13 sanadood, oo ku beegan afartan (40) sano kahor taariikhda hijriga (kuna beegan markay taariikhda miilaadigu ahayd 584). Markii Rasuulka SCW lasoo dirayey waxuu Cumar jiray 26 ama 27 sano. Waxuuna islaamka la colleytamayey muddo lix sanadood ah, waxuuna Muslimay isagoo 32 ama 33 jir iyo dhowr bilood ah. Waxuu Cumar ku dhashay magaalada Makka oo uu ku barbaaray, waxuuna kamid ahaa raggii ugu ad adkaanta badnaa oo ka hor yimid dacwada diinta Islaamka. Waxuu Cumar bin Al Khaddaab aad ugu dhegnaa diintii aabayaashiis oo uu aaminsanaa inay iyadu tahay tan ugu tubta toosan ee degtay qalbigiisa, saaqdayna luddiisa iyo laftiisa, waxuuna Rasuulka SCW iyo asxaabtiisii qiimaha badneyd u muujiyey cadaawad aad u fog markii lasoo diray, oo waxuu caddibi jiray qaar kamid ah dadkii Mustadcafiinta ahaa ee iyagu Islaamka goor hore galay. Waxuu Cumar si daran u ciqaabi jiray gabadh la oran jiray Samiirah oo markii dambe xitaa indha beeshay siduu u ciqaabi jiray darteed si ay uga noqota diintan samawiga ah ee ay qaadatay.

Cumar bin Al Khaddaab waxuu ahaa mid kamid ah fardooleydii iyo raggii ugu akhyaarsanaa Qureesh iyo Carabta dhexdeeda waqtigii Jaahiliga, oo waxuu ahaa mid laga wada cabsado.

Islaamiddiisii & Mowqifkiisii Hore

Xilli Muslimiintii ciriiri iyo dulmi lagu hayo, oo xaaladdu ay darantahay ayuu Illaahay nuur usoo saaray Muslimiintii oo waxaa Islaamay Cumar bin Khadaab. Rasuulka SCW ayaana taa Rabbigiis ka baryey. Cabdullaahi ibnu Mascuud waxaa laga soo weriyey inuu Rasuulka SCW yiri: Alloow Islaamka ku adkeey labo nin midkood, Cumar bin Khaddaab ama Abuu Jahal. Ducadaasi iyada ahina Alle waa uu aqbalay oo waxuu ku sharfay Cumar bin Khaddaab kadib markii uu muddo 6 sanadood la colleytamayey Islaamka iyo ehelkiisa, waxuuna taa ka hor Cumar taagnaa mowqifka abtigiis Abuu jahal, oo maysan jirin cid is lahayd ama ku fakereysay Cumar wuu Islaami doonaa, laakiin cidduu Alle hanuuniya cidi hor istaagi kari meyso, iyada ayunbaana noqon ta hanuunsan, oo Alle wax waliba isagu wuu awoodaa waana qaadir fal san.

Cumar bin Al Khaddaab waxuu ahaa mid qalbigiisu adag yahay, oo dabeecad kulul iyo awood badanna leh, Muslimiintuna in badan bay dhibaatooyin kala kulmi jireen. Waxuu Cumar ku fekeri jiray arrimo is khilaafsan oo mar waxaa ku weyneed diintii aabayaashiis, marna hawadiisii iyo macmaansigii nolasha dhalin yarannimada ee uu markaa dhex dabaalanayey, waxuuna ahaa nin cabbo khamriga, jecelna cayaaraha iwm ee ay markaasi bulshadii jaahiliga ku dhex jirtay, dhanka kalena waxuu la yaabayey oo fajaciso ku ahayd ad adkaanta Muslimiinta iyo siday ugu dul qaadanayaan dhib waliba oo ku yimaado oo aysan marna uga laabaten nuurka iimaanka ee qalbiyadooda degay. Tanina waxay ku reebtay qalbigii Cumar raad lama illaawaan ah.

Iyadooy sidaa tahay haddana Cumar waxuu ka fuqi waayey mowqifkii uu abtigiis Abuu Jahal mataanka kala ahaa ee ahaa sanam caabudka iyo la dagaallanka Islaamka. In badan kama soo wareegin markay qaar kamid ah Muslimiintii u alaab xir xirteen inay dhulka Alle u qaxaan oo meel ay dagaan oo Rabbigooda ku caabbudaan ka raadsadaan, kadib markii lagu jarribay baladkoodii oo ay sokeeyahoodii iyo xulufadoodii saareen, Cumarna waxuu kamid ahaa dadkii usababta ahaa qaxaasi iyo qaharkaas ku yimid Muslimiinta ee ay u hijroodeen dhul aysan aqoon dadkiisa, dabcigiisa iyo nolashiisa, dhankaa iyo dhulka Xabashida.

Umu Cabdillaahi Leyla bint Abii Xathmata iyo Seygeeda Caamir bin Rabiica waxay xufulo la ahaayeen reer banii Cadiyi bin Kacab gaar ahaanna qoyska reer Khaddaab bin Nufeyl Al Cadawi ee uu ka dhashay Cumar bin Khaddaab. Waxay kamid ahaayeen dadkii ugu horeeyay ee islaamay, waxayna Cumar kala kulmi jireen ad adkaan iyo kadeed badan iyo ciqaab si uu uga hor istaago diinta Islaamka. Maalin maalmaha kamid ayuu Cumar jidka kula kulmay Umu Cabdillaahi bint Abii Xathmah iyagoo u haajirayo dhulka Xabashida waqtigii hijradii Abasiinya. Markaa buu Cumar su’aalay Umu Cabdillaahi halka ay u socdaan goor uu ninkeedii Caamir bin Rabiica uu howla gaar ahaa ugu maqnaa, waxayna ku tiri:” Dhulka Illaahay ayaanu meel ka raadsaneynaa, waad na dhibteen oo aad na jarribteen”.. Markaasuu Cumar si murugo leh u eegay oo sagootiyey oo iskaaga laabtay. Markii uu Caamir yimid ayay Leyla u sheegtay arrintii dhex martay iyada iyo Cumar, oo misna waxay usheegtay dabacsanaantiisii iyo hadalkiisii dhimrisanaa ee aysan horey uga baran ee ay maanta ka aragtay kana maqashay, iyo weliba inuu aad uga murugeysnaa bixiddooda. Markaa buu Caamir su’aalay xaaskiisii Umu Cabdillaahi Leyla bint Abii Xathmata:” Ma waxaad damacsantahay inuu Cumar Islaamo? Markaasay tiri:” Haah! Markaasuu yiri:” Islaami mahayo, kii (Cumarkii) aan arkay, jeer ay Islaamaan dameeraha Khaddaab. Halkan waxaanu ka fahameynaa in aysan jirin cid ku fakereysay inuu Cumar islaamo ad adkaantii looga bartay iyo la colleytankii uu diinta Islaamka la colleytamayey darteed.

Habeen habeennada kamid ah ayuu Cumar kudhaxay meel aan aqalkiisu ahayn (golo ay ku sheekeysan jireen oo ay lahaayeen reer abtiyaashiis banii Makhzuum), dabeetana waxuu yimid kacbaddii goor mugdi ah, durtaba waxuu arkay Nebiga SCW oo salaad u taagan, markaasuu daaha ku dhakaday oo damcay bal inuu dhageysto waxa uu Rasuulka SCW akhrinayo. Wuxuu markaasi Nebigu SCW akhrinayey suuradda Al Xaaqah Saa Cumar wuxuu is yiri:- Malaha kani waa sidii ay Qureeshtu sheegeysay oo waa gabyaa?

Faadimah bint Khaddaab iyo seygeeda Saciid ibnu Zeyd, waxay Islaameen caaraddii hore ee Islaamku, waxayna Islaannimadooda ka qarinayeen Cumar si uusan ciqaab xanuun badan u marsiinin, sidaa si lamid ahna waxaa Islaamay Nucaym bin Cabdillaahi Al Cadawi (Al Naxaam) oo kamid ahaa rag karmeedyadii Qureeshta gaar ahaan banii Cadiyi, isaguna Islaamiiisu waa uu ka qarinjiray Cumar, .

Ad adkaantii Cumar waxay gaartay heer uu maalintii dambe seefta u siibta inuu soo dilo Rasuulkii Alle SCW, dabeeta waxaa la kulmay Nucaym bin Cabdillaahi oo weydiiyey halka uu kusocdo? Waxuuna ku jawaabay:” Waxaan doonayaa inaan soo dilo Muxammed (SCW), kan kala geeyay arrinkii Qureeshta oo duray ra’ yigoodii, oo wax ka sheegay diintayadii ee caayay Ilaahyadannada”.

Waxuu yiri:” Haddaba sideed uga nabad heli doontaa banii Haashim iyo banii Zuhrah (Waa labada reer ee uu Nebigu SCW kadhashay), haddii aad disho Muxammed? Markaasuu Cumar yiri:” Malaha adiguna sidaan kaa arko diintaadii ayaad ka baxday? Waxuu yiri:” Ma ku tusiyaa Cumaroow! arrin taa ka daran? Walaashaa Faadimah iyo seedigaa Saciid way ka baxeen diinta aad adigu haysatid”.

Markaa buu Cumar xaggoodii aaday si bal uu marka hore iyagu meel u saaro oo wax uga qabto, waxaana markaa qoyskaasi la joogay Khabaab bin Arat oo Quraanka bari jirey, markay maqleen shanqadha Cumar ayuu Khabaab dhuuntay. Faadimana waxay qarisay warqaddii Quraanka ku qornaa, markaasuu yiri:” Waa maxay gunu’gunida aan maqlayey? Markaa bay ku yiraahdeen: Waxbo ma jiro”. Markaasuu yiri:” Haaheey! waan maqlay inaad diinta Muxammed raacdeen, dabeetana seedigii Saciid ayuu ka dul dhacay oo si daran ugu istaagay. Faadimah ayaa damacday inay ka qabato iyadoo qaylineyso, saa iyadiina waa uu kala tuuray oo dakhar buu gaarsiiyey. Markaasay iyadoo careysan oo dhiiguna madaxeedu ka da’ayo tiri:” Waxaan qirayaa Inuusan jirin Alle la caabbudo oo aan Allaah ka ahayn Muxammedna SCW uu yahay Rasuulkii Alle. Markaa buu Cumar u diir naxay walaashii markii uu arkay dhiigga ka hoorayo madaxeeda oo ka kacay seedigii, dabeetana waxuu weydiiyey inay u dhiibto waxii ay akhrinayeen bal si uu u eego, hase ahaatee waxay walaashii ku tiri:” Adigu waxaad tahay fadaro najaas ah, mana taabato Quraankan cidaan daahir ahayn ee kacoo soo maydho, markaasuu kacay oo soo mayrtay, dabeetana warqaddii ayuu ka qaaday oo inta kala bixiyey akhriyey waxii ku qornaa. Cumar waxuu ahaa mid wax qora waxna akhriya, taas ayaa ka haqab tirtay in loo akhriyo, isagii ayaana akhristay, waxaana ku qornaa awaa’ilka suuradda Daha, waxuuna akhriyey Suuraddii illaa uu ka gaaray aayaddan: Anigu waxaan ahay Allaah, Illaah kalena majiro, oo aan anigu ka ahayn ee i caabbudo aniga oo kaliya, salaadduna u ooga xusiddeyda.

Markaasuu yiri:” Oo maxaa ka wanaag badan oo ka sharaf badan hadalkan? Bal Muxammed itusiya. Dabeeto Khabaab oo dacal aqalka kamid ah isku qarinayey ayaa soo booday oo banaanka yimid, waxuuna yiri:” Abshir Cumaroow! waxaan ku rajo weynahay inuu Allaah aqbalay ducadii Rasuulkiisa SCW, waxaan maqlay isagoo oranaya:” Alloow! diinta ku adkeey Cumar bin Khaddaab ama Abuu jahal. Kadib Cumar waxuu soo aaday dhankii daarta Arqam bin Abul Arqam oo ay usoo tilmaameen inuu Rasuulka SCW jooga, si uu ula kulmo. Saxaabadii qaar kamid ah ayaa ka arkay doc yar isagoo seeftiisa sito oo usoo socda dhanka daarta, markaasay Rasuulka SCW usheegeen, waxaana daarta joogay rag ay kamid ahaayeen Xamzah oo isagu maalintaa ka hor saddex casho soo islaamay, Cali bin Abii Dhaalib, Abuu Bakar Sidiiq iyo rag kaloo kamid ah kuwii aysan usuuroobin inay u qaxaaan dhulka xabashida, Xamzah ayaa yiri markaa:” Bal ka leexdo oo albaabka ka furo, haddii uu wanaag rabo waanu siineynaaye, hadduuse shar u yimidna seeftiisaanu ku dili doonnaa”. Cumar waxuu soo hor fadhiistay Rasuulka SCW , markasuu Nebiguna SCW weydiiyey waxa xilligan keenay, markaasuu yiri :” Waxaa i keenay inaan Alle iyo Rasuulkiisa iyo waxa uu xagga Rabbigiis ka keenay rumeeyo, waxaana qirayaa inuusan Alle kale jirin illaah mooyaan, adiguna aad tahay Rasuulkii Alle, sidaa buuna u islaamay. Cumar markuu islaamay Ilaahay wuxuu Muslimiintii siiyey Cissi iyo xoog, xaaladdii Makkana way is baddeshay. Cumar isla markiiba wuxuu qaadey tallaabooyin, wuxuu yiri:” Waxaan is weydiiyey ninka dadka ugu necbaan og Islaamka markaasaan xasuustay inuu Abuu jahal yahay, saan gurigiisii ugu tegey oo aan irrida ku garaacay, markasuu iga furay oo i soo dhoweeyey iguna yiri ” Maxaa dan oo aad u timid? waxaan ku iri:” Waxaan kuugu imid inaan ku ogeysiiyo inaan islaamay oo aan rumeeyey Alle iyo Rasuulkiisa SCW, waxii aan haysan jirneyna oo sanam caabbud ahaana aan beeniyey” Abaa jahal intuu aad u argagaxay buu yiri “waxaad la timid baa baas lahaaday”. Oo gurigii ayuu dalaq yiri oo ku cararay.

Dhanka kale waxuu yiri ” Waxaan is weydiiyey yaa ugu warqaad badan reer Makka oo dadka oo dhan hadalka gaarsiin kara? Saa waxaan xasuustay inuu yahay Suneym ibnu Camar al- Jumuxi, markaas baan u tegay oo ku iri:” Waan islaamay”. Suu qeyliyey isagoo oranaya:” Cumar bin Khadaab waa iishay”. Cumar-na wuu ka daba hadlayey isagoo leh:- Ma iilan ee waan Islaamay. Waxaa kale oo Cumar uu sameeyey markuu Islaamay ayuu Rasuulka SCW ku yiri:” Rasuulkii allow! sow inagu xaq kuma taagnin? Haddaba aynu baxna oo dhammaanteen aan kacbada ku soo tukanno”. Rasuulkuna SCW inkastoo uu u ogaa in Muslimiintu ay yaryahiin hadana kama uusan diidin Cumar in ay Kacbadda kusoo tukadaan, waayo waxuu ogaa Rasuulku SCW in Islaamku iyo Muslimiintuba ay gunnimo ka baxeen mar haddii uu Islaamay Cumar ibnu Khadaab, oo sidaa darteed wuu ka yeelay hintisihiisii. Markaa baa waxaa soo baxay asxaabtii oo laba saf ah, oo safi Cumar ku jiro safka kalena uu Xamsa kujiro. Qureysh talo ayaa ku caddaatay waxayna ka caroodeen waxyaalaha uu Cumar sameeyey, waxay markaa ku tashadeen ineyba dilaan hase yeeshee waxaa arrintaa is hor taagay Al Caas bin Waa’il As Sahmi oo magan geliyey, waxayna ahaayeen xulufo isaga iyo reer Khaddaab. Markii ay Qureeshti damacday inay dilaan Cumar buu isaguna intuu Cutbah bin Rabiica qabtay hoosta gishtay oo jukeeyay, waxuu yiri :” Dayn maayo jeer aad ideysaan”.

Markii uu Cumar Islaamay dadkii sartaa kujiray oo idil baa farxad darteed mar qura la wada takbiirsaday takbiir laga maqlay Kacbada (Allaahu Akbar),

Rasuulku SCW aad ayuu ugu farxay Islaamiddii Cumar.

Cabdullaahi Ibnu Mascuud waxuu yiri:” Kacbadda agteeda horey ugumaan tukan illaa uu Cumar Islaamay”.

Suheib bin Sinaan waxuu yiri:” Markuu Cumar Islaamay diintii Islaamku way adkaatay oo si cad baa loo faafiyey, oo kacbadda agteedaanu fadhiisannay, oo ku dawaafnay, ciddii wax na yeeshana aan iska dhicinnay oo aan ka aargudannay.

Maalintaa iyada ahi ee uu Cumar Islaamay, Muslimiintiina uu u sababay inay galaan Kacbadda oo ku tukadaan, ayaa loo baxshay Al Faaruuq ( Kii xaqa iyo baadilka kala geeyay ). Sowda bint Samcah waxay jirtay dhulka Xabashida oo ay u hijrootay, markay maqashay Islaamidda Cumar ayay timid magaallada Makka.

Cumar markii uu Muslimay waxuu Islaamkii Alle u siyaadiyey cizi iyo quwad oo, ducfigii iyo gunnimadii ayuu ka saaray, markaa ayayna Qureeshtu garowsadeen inay diintani sare mari doonta oo ay awood buuxda yeelan doonta.. Cumar waxuu ku sugnaa magaalada Makka tan waqtigii Hijriyada, waxuuna ahaa nin laga wada cabsado, oo Islaamkuna tiir adag u ahaa, cid ku dhici jirtay ama haweeysan jirtay oo wax ka sheegi kartayna ma aysan jirin, intaa dabadeedna waxuu u hijrooday magaaladii Madiina, isagoo safarkiisii hijrada kula rafiiqay Cayaash bin Abii Rabiica iyo Hishaam bin Al Caas. Hishaam isagu waalaga war helay oo waala xabbisay. Cumar iyo Cayaashna waa ay is raaceen, hase ahaatee Cayaash isaguna waala soo celiyey kadib markay qayaameen Abuu Jahal iyo Al Xaarith bin Hishaam oo hadal been ah usheegay inay hooyadii nidar ku gashay ineysan timaha shanlaysan oo aysan qorraxda ka harsan jeer ay aragto.

Al Muhiim: Taasi waa qiso dheer uu u baahan in laga akhristo kutubta siirada Nebiga SCW, Cumarna isagu waa uu hijrooday, Cayaashna waa la celiyey . Markiina uu tegay Cumar magaaladii Madiina waxuu Rasuulka SCW la walaaleeyay Citbaan bin Maalik.

 

Qaar Kamid Ah Fadliga Cumar

Cumar bin Khaddaab waxuu lahaa fadli aad u tiro badan, oo aan runtii lasoo koobi karin, waxuuna ahaa saxaabiga labaad ee ku xigay Abuu Bakar Sidiiq Allaha ka raalli noqdee, Cumar bin Khadaab, waxaan ku xasuusannaa inuu ahaa mid kamid ah 10-kii jannada loogu bishaareeyay iyagoo dunidan guudkeeda saaran, Alla maxaa ka nasiib badan qof isagoo dunida saaran loogu bishaareeyay oo lagu yiri Janno ayaad galeysaa? May wallaahi ma jirto fadli ka weyn iyo bishaaro ka qiimo badan.

Waxuu Cumar ahaa mid kamid ah saxaabadii waa weyneed iyo culimadii caabidiinta ahayd ee ka saahidday dunida iyo dhaldhalaalkeeda kuna beddashay raalli ahaanshaha Allaah Sarreeye. Waxuu ku lahaa mawaaqif dhowr ah kitaabka Allaah SW, iyo ra’yi kasoo fulay Cumar oo Alle ku caddeeyay Quraanka, waana halka uu imaam Cali ka leeyahay:” Waxaanu u arkay Quraanka inay kujiraan kalmado kamid ah kalmada Cumar (kasoo fulay) ama ra’yi kamid ah ra’yigii Cumar”.Waana sida uu Cabdullaahi ibnu Cumar ka yiri:” Ma kusoo degin dadka arrin ay si uyiraahdeen, oo Cumarna si kale u yiri, illaa Alle waxuu soo dajiyey Quraan uu ku waafaqaya maqaallada Cumar ibnu Khaddaab. Taasina waxaa marag ma doonta u ah, dhacdadii Bader markay dhacday waata keentay in maxaabiis badan oo Qureeshta kamid ah lasoo qafaashay, oo dabadeedna raggii saxaabada ay shir u fadhiisteen, shirkaasoo uu guddoominayey Rasuulka SCW, nin walibana sidii laga yeeli lahaa maxaabiistaas ayuu sheegay oo siduu ra’yi ahaan u arkayay ayuu ka dhawaajiyey. Maalintaa iyada ahi Abuu Bakar waxuu soo jeediyey in madax furasho laga qaato oo la iska sii daayo, Cumarna waxuu ra’yi ahaan soo jeediyey in qof waliba xigtadiisa loo dhiibo oo uu kurka ka jaro, waxuuna dalbaday mid isaga tolkiisa ahaa oo ku jiray maxaabiista in gacanta loosoo geliyo oo uu unuunka u dheereeyo, Calina loo dhiibo walaalkiis Caqiil, Xamzana loo dhiibo walaalkiis Al Cabbaas, waxuuna soo jeediyey in ninba ninka xigo uu kurka kajaro si aysan meeshu dakano u soo galin, oo Allena u ogaado buu yiri: inaysan wax gacaltooya innaga iyo kuwaasi na dhex oolin. Haddaba Rasuulku SCW waxuu doorbiday ra’yigii Abuu oo isagii ayuu dadkii ku xukmiyey. Isla habeenkaasina waxuu Alle toddobada samo dushooda kasoo dejiyey aayado u muuqday canaan iyo inay yahiin kuwa sabab u noqon lahaa inay ciqaab iyo carro Alle soo degto, haddaysan jiri lahayd qowl horey Rabbi uga dhacay oo ahaa : Intaa kadib u falo axsaan ama ka qaato madax furasho. (Suuratu Muxammed aayadda 4aad). Aayadii kusoo dagay shirkaas isaga ah ee Cumar ra’yigiisa ayidayey waxay ahaayeen kuwan:

” Ma habbooneyn in ay Nebi u ahaato maxaabiis illaa uu kaga jilciyo dhulka, waxaad (idinku) doonaneysaan bilicda (dhaldhallaalka) adduunka oo Allane waxuu dooni aakhiro, Allana waa adkaade fal suubban. Haddii uusan jiri lahayn qoraal horeeyay oo xag Alle ka ahaaday, waxaa idin qaban lahaa waxaad qaadateen (oo madax furasho ah) darteed cadaab daran”. Suuratul-Anfaal aayadda 46aad illaa 47aad.

Qoraalka aayaddani lagu xusay ee aan horey u xusnay isagu waxuu caddeynayaa inay banaantahay madax furashada oo aad sii dayn karto maxbuuska intaad madax furasho ka qaadato, laakiin sida kamuuqato aayadda waa in ay habbooneyd in la edbiyo gaalada oo aan laga qaadan wax madax furasho ah , waxayna ayideysaa qowlkii iyo ra’yigii Cumar.

Ad- adkaantii uu diinta Islaamka Cumar ku ad adkaa heer waxay gaadhay inuu maalintii Bader markuu arkay Suhayl bin Camr oo ku jiro maxaabiista oo afhayeenna u ahaa Qureeshata ayuu yiri:” Rasuulkii Alloow! dhoolasha ka siib hasoo dhaco carrabkuye si uusan mar dambe khudbo kaasoo hor jeeddo meel uga soo jeedinin. Rasuulku SCW waxuu u tilmaamay inuu iska daayo, waxuuna u sheegay in laga yaabo in Suheyl uu maalin uun ka istaago meel la mahadsho Islaamka, oo taasina way dhacday markii uu Rasuulka SCW geeriyooday oo ay reer Makka damceen inay riddoobaan ayuu Suheyl u khudbeeyay oo ku yiri:” Ma adinkoo dadka ugu Islaannimo dambeeyay baad iminka uga hor baxaysaan? Islaamkii ayayna ku sugnaadeen.

Abuu Hureerah waxuu yiri:” Rasuulka SCW waxuu yiri:” Ummadihii idinka horeeyay waxaa ku jiri jiray qof la ilhaamiyo, oo wax loo sheego (aanan Nebina ahayn) haddii uu ummadeydan ku jirana waa Cumar.

Abuu Dar Al Qafaari waxaa laga soo weriyey inuu yiri:” Waxaan maqlay Rasuulka Alle SCW oo leh: Alle waxuu xaqu yeelay carrabka Cumar. Abuu Hureerana waxuu yiri:” Rasuulkii Alle SCW waxuu yiri:” Alle waxuu xaqu yeelay carrabka iyo qalbiga Cumar”.

Cabdullahi ibnu Mascuud waxuu yiri:” Cizzi kamaanan suulin taniyo markuu Islaamay Cumar.

Ibnu Isxaaq waxuu Ibrahiim bin Muhaajir kasoo weriyey isaguna uu Mujaahid kasoo weriyey inuu yiri:” Haddii uu Cumar ra’yi keeno, Quraan baa soo degi jirey”.

Ibnu Mascuud waxuu yiri:” Islaannimadii Cumar waxay ahayd guul iyo nasri, imaaradiisina yacni xukunkiisii waxuu ahaa dhul furasho”.

Mucaad bin Jabal waxuu yiri:” Cumar waxuu geli jannada, oo Rasuulka Alle SCW waxuu yiri:” Goor aan Jannadu dhex joogo ayaan arkay daar ku dhex taallo, markaasan ku iri:” Oo yaa leh daartaan? Saa la igu yiri:” Cumar”.

Sidaa si lamid ahina waxaa soo weriyey Anas oo yiri:” Nebigu SCW waxuu yiri:” Jannada ayaan dhex galay, markaasaa waxaan is arkay anigoo ku sugan qasri dahab ka sameysan, saa waxaan iri:” Oo yaa iska leh? Markaasaa la igu yiri:” Waxaa leh Shaab (yacni nin dhalinyaro ah) oo Qureesheed ah’, markaasaan aniga isku maleeyay, markaasan ku iri:” Oo waayo? Markaasay igu yiraahdeen:” Waa Cumar”.

Abaa Hureerana waxaa laga soo weriyey oo uu isaguna kasoo weriyey in Nebigu SCW yiri:” Jannada ayaan dhex galay, markaasaan kula kulmay qasri dahab ah, oo i cajab geliyey quruxdiisa, markaasaan su’aalay:” Oo yaa iska leh? Markaasaa laygu yiri:” Cumar”. Iima aysan diidin inaan galo, ogaanshaha aan ogaa maseyrkaada mooyaan Abaa Xafsoow!. Markaasuu Cumar ooyey oo yiri:” Ma adigaan kaa maseyri Rasuulkii Alloow? Sidaa si lamid ahina waxaa soo weriyey Jaabir. Werin kalena waxaa ku sugneed in daarta ama qasrigu ay ag joogeen labo dumar ah, oo markay Rasuulka SCW u sheegeen in uu Cumar gurigaasi leeyahay uu ka tegay ogaansho uu ogaa maseyrka Cumar darteed, markaasuu Cumar ooyey oo yiri:” Ma adigaan kaa maseyri Rasuulkii Alloow?

Cabdullaahi ibnu Bureydah waxuu aabahiis ka soo weriyey inuu Rasuulku SCW yiri:” Waxaan xisaaban inuu sheydaanku ka leexdo Cumar”.

Muxammed ibnu Sacad waxuu aabahiis kasoo weriyey inuu Rasuulka Alle SCW yiri:” Illaah baan ku dhaartaye waddo maad martid, illaa sheydaanku waxuu maraa waddo kale (Wuxuu la hadlayey Cumar)”.

Cumar ayaa Rasuulka SCW idin weydiistay inuu usoo galo, goor ay dumar Qureesheed agjoogeen oo ay codkooduna sare ugu qaadayeen Rasuulka SCW. Markii ay maqleen idin dalbashada Cumar ayay wada aamuseen oo ay is wada qariyeen. Markii uu Cumar soo galay ayuu arkay Rasuulka SCW oo qoslahayo, markaasuu Cumar yiri:” Dhooshaadu Allaaha ka qosliyo Rasuulkii Alloow!. Markaasuu Nebigu SCW yiri:” Waxaan la yaabay dumarka kan ee markay codkaadu maqleen xijaabka kuwada orday”. Waxuu yiri Cumar:” Adigaa mudan Rasuulkii Alloow! inay iga kaa haybeystaan. Markaasuu dhankoodii u jeestay oo uu ku yiri:” Kuwii nafahooda cadawga u ahaayoow, ma anigaad iga haybaysaneysaan oo Rasuulkii Allana ma haybeysaneysaan? Markaasay yiraahdeen:” Haah! maxaa yeelay adigu waad ka ad adagtahay oo aad ka qallafsantahay Rasuulka Alle SCW”. Markaasuu Nebigu SCW yiri :” Ina Khaddaaboow! Sheydaan kugulama kulmo jid illaa waxuu qaaddaa dhabo kale oo aan taada ahayn”.

Rasuulka SCW waxuu yiri:” Waxaan leeyahay labo waziir oo samada ah iyo labo waziir oo dhulka ah. Labada samada ahi waa Jabriil iyo Miikaa’iil, labada dhulka ahina waa Abuu Bakar iyo Cumar”.

Waxaanu horey usoo xusnay qisadii Abuu Bakar markaynu ka hadleynay xadiiskii beerta ee uu Abuu Muusal Ashcariyu soo werinayey, kaasoo uu Rasuulka SCW janno ugu bishaareynayey raggii u yimid oo uu ku jiray Cumar, markuu lahaa ka fur uguna bishaaree Janno”.

Cumar Ibnu Khaddaab waxuu ahaa shaqsi aan fadligiisa lasoo koobi karin , waxii uu Rasuulka SCW ka yiri iyo waxii ay saxaabada iyo a’immada saalixiintu ka yiraahdeen, waana runtii mid aad u badan oo aynu soo koobi kareyn. Waxaana xusid mudan in waqtigiisii la furtay dhul aad ubadan, uuna noqday khaliifkii ugu fatuuxaadka badnaa Khulafaa’u Raashidiinka, sadarrada dambe ayaanna ku falaqeyn doonnaa hadduu Alle Sarreeyo idmo intaa ayaana uga baxayna fadligii Cumar.

Dumarkiisii & Carruurtiisii

Cumar waxuu dhalay Cabdullaahi, Xafsah iyo Cabdiraxmaan, waxaana u dhashay Zeynabah bint Madcuun bin Xabiib bin Wahab bin Xudaaf bin Jumux Al Qurashiyah Al Jumuxiyah. Waxaa carruurtiisaasi abtiyaal u ahaa saxaabada kala ah Cuthman bin Madcuun, Qudaamah bin Madcuun iyo Cabdillaahi ibnu Madcuun.

Waxuu kaloo dhalay Zeyd Al Akbar iyo Ruqayah, waxaana u dhashay Umu Kalthuum bint Cali ibnu Abii Dhaalib, waxaana Zeyd iyo Ruqayah ayeeyo u ahayd Fadimah az-Zahraa bint Xabiibullaah Muxammed SCW.

Waxuu kaloo dhalay Zeyd Al Asqar iyo Cubeydullaah (Cubeydullaah waxaa lagu diley dagaalkii Safiin asagoo la safan dhanka Mucaawiyah) Waxaa labadi udhashay Umu Kalthuum bint Jarwal bin Maalik bin Al Musayd bin Rabiicah bin Al Asram bin Dhubeys bin Xaraam bin Xabshiyah bin Salool bin Kacab bin Camr oo ka dhalatay Khuzaaciyiinta. Markii uu Islaamka yimid ayuu furay Cumar Umu Kalthuum bint Jarwal oo Islaamka ayaa kala geeyay.

Misna waxaa kaloo uu dhalay, Caasim oo ay udhashay Jamiilah bint Thaabit bin Abii Aqlac (Magaca Aqlac-na ama waxaa kaloo lagu sheegaa Aflax- ee waa Qays) bin Cismata bin Maalik bin Ammah ibnu Dhubeycah bin Zeyd, oo kasoo jeeddo Ansaarta reer Madiina gaar ahaan Aws.

Waxaa kaloo uu dhalay Cabduraxmaan Al Awsadh oo ku caan ahaa Abul Mujbar, waxaana u dhashay Luheycah oo Umu Walad ah.

Waxaa kaloo uu dhalay Cabduraxmaan Al Asqar, waxaana udhashay haweeney Umu Walad ah.

Waxuu kaloo dhalay Faadimah oo ay udhashay, Umu Xakiim bint Al Xaarith bin Hishaam bin Muqiirah, waxaa Umu Xakiim dhalay Cumar abtigiis.

Waxuu kaloo dhalay Zeynaba oo carruurtiisa ugu yar, waxaana udhashay Fukeyha oo Umu walad ahayd.

Waxuu kaloo dhalay Cayaad oo ay udhashay, Caatikah bint Zeyd bin Camr ibnu Nufeyl Al Cadawiyah. Waxay Caatikah la dhalatay Saciid ibnu Camr bin Nufeyl oo kamid ahaa tobankii Jannada loogu bishaareeyay.

Qaabkuu dumarka u guursaday waxay ahayd sidan:

Cumar wuxuu guursaday Islaamka ka hor Qureybah bint Abii Umayah oo dhanka aabaha walaal kala ahayd hooyadii Mu’miniinta ee Umu Salamah bint Abii Umayah. Wuxuu Cumar uga soo tegay magaalada Makka markii uu haajirayey, waxayna sababtu ahayd iyadoo ku baaqi noqotay diintii tolkeeda ee sanam caabbudka ahayd, markiina uu Alle soo dajiyey aayadahii uu ku xarrimayey calaaqaadka Muslimiinta iyo kufaarta, kadib heshiiskii Xudeybiyah ayuu Cumar furay, waxaana markaa guursaday Mucaawiyah ibnu Abii Sufyaan oo isagu markaa lamid ahaa iyada oo mushrik ahaa. Kadib waxay Islaamtay furashadii Makka waxaana guursaday Cabdiraxmaan bin Abii Bakar kadib markuu furay Mucaawiyah, waxayna udhashay Cabdullaahi, Umu Xakiim iyo Xafsah. Cumar-na waxbo uma aysan dhalin.

Waxuu misna guursaday Umu Kaltuum, Culimadu qaarkoodna waxay sheegaan in magaceeda saxda ahi uu ahaa Muleykah bint Jarwal Al Khuzaaciyah, waxuu guursaday waqtigii Jaahiliyada, waxuuna furay Xudeybiyah kadib iyadoo gaalo ah, waxaana guursaday markii uu furay Abii Jaham bin Xudeyfah oo qowmkeeda ka mid ah, oo markaa iyadoo kale ahaa mushrik.

Waxuu misna guursaday Zeynabah bint Madcuun Al Jumuxiyah, waxay ahayd afadii saddexaad ee Cumar, waxuu ku guursaday magaallada Makka waqtigii Jaahiliga. Markii lasoo diray Rasuulkuna SCW waa ay rumeysay oo ay la Islaamtay zowjkeeda Cumar, waxayna u hijrootay magaalladii Madiina ayada iyo carruurteeda, waxay Zeynaba bint Madcuun ahayd sodahdii Rasuulka SCW illeen waxuu Nebigu SCW qabay gabadheeda Xafsa.

Kadib waxuu guursaday sanadkii 7aad ee hijriyada Jamiilah bint Thaabit oo u dhashay Caasim, kadibna wuu furay waxaana guursaday Zeyd bin Xaarith oo ay udhashay Cabduraxmaan bin Zeyd.

Kadib waxuu guursaday Caatikah bint Zeyd, waxay ahayd mid qurux iyo akhlaaq ku sifoowday, waxuu guursaday sanadkii 12aad ee hijriyada.

Kadib waxuu guursaday dumarkii aynu soo xusnay. Waxuuna dhalay dhowr carruur ah oo iskugu jiray wiilal iyo gabdho, wiilashiisu waxay kala ahaayeen: C/llaahi, Cabdiraxmaan Al Akbar, Cabdiraxmaan Al Awsadh, Cabdiraxmaan Al Asqar, Zeyd Al Akbar, Zeyd Al Asqar, Cubeydullaah, Caasim iyo Cayaad. Gabdhahiisuna waxay kala ahaayeen Xafsah, Faadimah Ruqayah iyo Zeynaba.

Nolashiisii Madiina

Cumar bin Al Khaddaab markii la yimid Madiina, waxuu laasimay la joogidda iyo ka ag dhawaanshaha Rasuulka SCW. Waxuu kala qeyb qaatay duullaamadii uu qaaday oo idil, Bader, Uxud, Khandaq, iwm. Waxuu sidoo kale hoggaamiyey qaar kamid ah wardoonno ama sirriyaad. Maalinti Bader waxuu dilay abtigiis Al Caas bin Hishaam. Maalintii Uxud waxuu kamid ahaa raggii ugu horeeyay ee durbo soo laabtay kadib markay Muslimiintii jabeen, waxuuna kamid ahaa raggii difaacayey Rasuulka SCW. Waxaynu xasuusannaa inuu ahaa Cumar ninkii ujawaabayey maalintaa (Uxud) Abuu Sufyaan, markii uu lahaa:” Muxammed ma idinku jiraa?, (Looma jawaabin), Ina Abii Quxaafah (yacnii Abuu Bakar) ma idinku jiraa? Cumar ibnu Khaddaab ma idinku jiraa? Markii loo jawaabi waayey ayuu yiri:” Waala idinka kaafiyey kuwas. Xaqiiqdii Abuu Sufyaan waxuu ogaa inay saddexduba (Rasuulka SCW , Abuu Bakar iyo Cumar) ay ahaayeen horwadeennadii Islaamka, waxuuna yaqiinsanaa inay taasi hadday dhacdo oo saddexdooduba la dili lahaa ay jab weyn ku noqon lahayd Islaamka iyo Muslimiintuba. Haddaba markaas ayuu Rasuulka SCW amray inuu Cumar ujawaab celiyo, markaasuu ujawaab celiyey oo usheegay inay saddexdooduba nool yahiin.

Cumar ibnul Khaddaab mar waliba waxuu taagnaa dhinaca Rasuulka SCW, oo dhammaan dhaqdhaqaayadii oo idil waa uu ka qayb qaatay. Markii uu Rasuulka SCW geeriyooday Cumar waa uu ku qanciyey waayey taas, miirkiisii ayaana tegay, oo waxuu yiri:” Ruuxii yiraahdo Rasuulka SCW wuu dhintay unuunka ayaan udheereyn”. Waxuu ku andacoonayey Cumar inuusan Rasuulka SCW dhiban, bal ee uu iman doono oo gacmo badan oo munaafiqiintana uu goyn doona.

Cumar waxuu raad weyn ku lahaa doorashadii Abuu Bakar, waxuuna aaminsanaa inaysan jirin cid ka hor mari karto Abuu Bakar Sidiiq. Markii uu Abuu Bakar Ansaarta la hadlayey si khilaafada ay u qabato cid Qureeshta ka dhalatay, waata uu yiri:” Labadan nin midkii aad ka raalli tahiin doorto (yacnii Cumar iyo Abaa Cubeyda bin Al jarraax). Cumar waxuu oran jiray:” In dembi la’aan kurka la iga jaro ayaan ka jeclaa inaan madax u noqda dad uu Abuu Bakar kujiro”. Sidaa darteed marka ma uusan jeclaan in uu qabto khilaafada ka hor Abii Bakar Siddiiq. Waxuu Cumar ahaa qofkii ugu horeeyay ee gacanta Abuu Bakar qaada oo la baayactamo, markaasay dadkii meesha joogayna la mubaayacoodeen.

Cumar Ibnul Khaddaab waxuu la shaqeynayey khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Sidiiq, isagoo markaana garab buuxo u ahaa oo howlaha la kala waday. Ka ag dhawaanshahii Cumar uu ka ag dhawaa Abuu Bakar iyo sidii uu welibo howlaha ula waday, waxay gaartay heer Dhalxa bin Cubeydillaah uu u tegay Abuu Bakar oo uu ku yiri:” Abuu Bakaroow! ma adigaa madax noo ah ama Cumar? Runtii Cumar waxuu ahaa nin karmeed aad iyo aad loo qadariyo, oo misna go’aan adag leh, waxuuna ahaa mid aan ka ag faaruqi jirin muddadii adkeyd ee xaaladdu qaraarka ahayd.

Dooorashadii Cumar & Dhul Furashooyinkiisii

Markii uu geeriyooday Abuu Bakar, khilaafadii waxuu uga tegay Cumar (oo lala mubaayacooday maalintii labaad ee geerida Abuu Bakar, 22 Jamaadul Aakhir 13 Hijriyada oo ku beegneyd Augosta 632 miilaadiga), kadib markuu Abuu Bakar kala tashaday saxaabadii Rasuulka SCW oo dhammaantoodi ay isku raaceen in uu Cumar uga tego khilaafa Dhalxa mooyaan oo isagu ka sheeganayey ad adkaantii Cumar. Haddaba markii uu Cumar khilaafada qabtay oo lala mubaayacooday waxuu halkii kasii waday howshii uu Abuu Bakar ka tegay. Aynu ka billawna sanadkuu xilka khilaafada qabtay.

SANADKII 13AAD

Sanadkan runtii wuxuu ahaa sanadkii ugu horeeyay ee uu Cumar khilaafada qabtay, waxaana usoo qaadan doonnaa khilaafadiisii sanad sanad, innagoo tixraaceyna nidaamka iyo dhacdooyinkii dhacay waqtigiisa oo isugu jiro dhul furashooyin iyo dhacdooyin kale oo lama huraan ah in iyaguna la sheego. Dhulalka Ciraaq iyo Shaam waxaa ka socday dagaallo waqtigii Cumar, waxaana soo qaadan doonnaa sanad waliba dagaalladii ka socoday labada dhinac innagoo marba qaadaa dhigi doonna dhinac kamid ah labada dhinac, intuu Rabbi inoo sahlo.

Imminkuna waxaan soo qaadan doonnaa

Howshii ugu Horreysay ee Cumar

Tani waxay ahayd howshii ugu horreysay ee uu Cumar ku dhaqaaqo, markii uu khilaafada qabtay kadib.

Waxaanu horey u ogeyn ama aan soo xusnay in Muthana bin Xaaritha uu yimid Madiina isagoo gurmad ka dalbanayey Abuu Bakar, Siddiiq markaasina waxay ahayd goor uu Abuu Bakar hayey xanuunkii uu dunida kaga faaruqay. Markii uu Abuu Bakar arkay Muthana oo dul taagan ayuu Cumar ku yiri:” Markaan dhinto yaadan galabeysan jeer aad dagaalka Ciraaq ku boorido dadka, oo Muthanna aad ciidan ku darto, haddii uu Alle idiin furo Shaamna, ciidankii Khaalid ku celi Ciraaq”. Markii uu Abuu Bakar geeriyooday, ayuu Cumar warqad u diray dhanka Shaam iyo ciidamadii ka dagaallamayey Yarmuuk, warqaddaasina waxay ahayd tii caddeyneysay casiliddii Khaalid, iyo geeridii ku timid Khaliifadii Rasuulka Alle SCW ee Abuu Bakar Siddiiq, waxaana warqaddaasi siday Manjimah bin Zaniim, goor lagu jiray dagaalkii Yarmuuk ayayna gaadhay, markaasuu Khaalid Muslimiintii ka qariyey geerida ku timid, Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar si aysan u niyad jabin ciidanku.

Kadib maalintii labaad ee laga soo wareegay geeridii Abuu Bakar buu Cumar ka dhex istaagay masjidkii oo dadkii u khudbeyay kuna booriyey dagaallada Ciraaq kasocda, hase ahaatee cidi umaysan kicin, ogaansho ay dadku ogaayeen darteed in la dagaallanka reer Furus uu yahay mid lagu hoogga oo ka daran kana kulul kan lShaam ka socoda. Misna maalintii labaad oo ah maalintii 3aad ee laga soo wareega geeridii Abuu Bakar ayuu Cumar kacay oo dadkii u khubeyay oo ku booriyey jihaadka iyo dagaallada ka socona dhulka Ciraaq, waxuuna ugu bishaareyey waxa sawaab iyo ajar uu Illaahay meeshaas oo kale dhex yeelay, hase ahaatee cidi umaysan kicin sidii maalintii hore, misna maalintii saddexaad ayuu sidii si lamid ah falay. Kadib waxaa kacay Muthana bin Xaarith Ash Sheybaani oo dadka xasuusiyey wixii guulo iyo nasri ee uu illaahay ku siiyey gacanta Khaalid markuu halkaasi (Ciraaq) joogay, hase ahaatee sidii si lamid ah cidi maysan kicin, mana ajiibin dhawaqa jihaadka. Kadib maalintii afraad ayuu Cumar sidii si lamid ah dadkii u khudbeeyay oo ku booriyey jihaadka, markaa baa waxaa kacay Abuu Cubeydah bin Mascuud Ath-Thaqafi, oo nin dhalin yaro ah, dabeetana dadkii baa iska daba kac kacay jeer la helay ciidan, markaasuu Cumarna masuul uga dhigay Abaa Cubeydah bin Mascuud, oo markaa aan ahayn saxaabi, raggii saxaabada baa Cumar weydiiyeen:” Oo maad u magacawda ciidanka nin saxaabadii Rasuulka SCW kamid ah? Markaasuu Cumar yiri:” Waxaan uun magacaawi kii ugu horeeyay ee ajiibay dhawaqa jihaadka, adinkuna waxaad tahiin kuwa ku hor maray gargaarka diinta Islaamka (yacni gelideedda). Kadib Cumar waxuu u dardaarmay ciidankii guud ahaan , gaar ahaanna Abuu Cubeydah bin Mascuud cabsida Allaah iyo inuu la tashado ragga saxaabada Rasuulka SCW ee la socda isaga, gaar ahaanna waxuu amray inuu la tashado Suliidh bin Qeys Al Ansaari, waxuuna Cumar yiri:” Waa nin aad arrimaha dagaalka u yaqaanno”. Kadib ciidamadii Muslimiinta way dhaqaaqeen oo waxay abbaareen dhankii Ciraaq iyagoo tiradoodu ay markaasi tahay 7 000. Markaa buu Cumarna warqad u diray dhanka Shaam iyo masuulkii halkaasi ku sugnaa ee Abuu Cubeydah bin Al jarraax, taasoo uu kaga dalbanayo in ciidamadii Khaalid bin Waliid ee kasoo dagaallamay dhulka Ciraaq uu dib ugu celiyo, bacdamaa Yarmuuk lagu guuleystay. Dabeeto Abuu Cubeydah bin Al Jarraax waxuu diyaariyey ciidan culus oo uu u diro dhanka Ciraaq isagoo fulinayo amarka amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab, waxuuna diyaariyey 10 000 oo ciidan ah oo uu madax uga dhigay Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas Az Zuhri. Cumar ibnu Al Khaddaabna waxuu soo diray ciidan kaloo gurmad ah oo u badan reer Bujeylah oo uu hoggaaminayo Jariir bin Cabdillaahi Al Bujali.

Ciidamadii Abuu Cubeydah bin Mascuud markay gaareen dhulka Ciraaq, waxay la kulmeen iyadoo Faarisiintii ay xaaladi ka dhex aloolsantahay oo ay ku xad gudbeen boqorkoodii ayna dileen, waxayna ka fursan waayeen inay madax ka dhigtaan gabar la oran jiray Buuraan bint Kisraa (Barwiiz/ Abarwiiz), kadib markay dileen mid iyada ka horreysay oo la oran jiray Aazarmiidakhat bint Abarwiiz. Buuraan waxay heshiis la gashay nin la oran jiray Rustum bin Farakhzaad si haddii uu is hor taago dagaallada iyo weerarada ay Muslimiinta dhulka Furus kusoo qaadeen uu markaa qabanayo xilka boqornimada muddo 10 sanadood ah, kadibna uu usoo celin doona reer Kisraa, arrintaasina waa uu ku qancay Rustum. Waxuu Rustum ahaa mid xiddigaha wax ka sheeg sheego oo waxuu ahaa Saaxibun Najam, isagoo hadal hayo in ay muddada 10 kaasi sano u buuxsami doonin ayay dadkiisii weydiiyeey:” Maxaa haddaba kugu xambaarayo inaad sidaa fasho? Yacni waxay ula jeedaan in aad heshiis noocaas gasho adigoo aaminsan inaysanba kuu buuxsameyn oo aadanna hor istaagi karin ciidamadan Muslimiinta? Markaasuu yiri:” Waa uun iga damac iyo sadano doon yacni sharaf doon”.

Dhacdadii Numaariq

Markaa buu Rustum soo diray ciidan uu hoggaaminayo amiir la oran jiray Jaabaan, ciidankiisu labada dhinacna waxaa kala hoggaaminayey labo nin oo midi la oran jiray Jashnash Maah, kan kalena waxaa la oran jiray Mardaan Shaah. Waxay is heleen ciidankii Abaa Cubeydah bin Mascuud oo ay isku heleen goob la yiraahdo Numaariq oo u dhaxayso Xiirah iyo Qaadisiyah. Fardooleyda Muslimiintuna waxaa hoggaaminayey Muthanna bin Xaarith, ciidanka bidixdana waxaa hoggaaminayey Camr bin Al Heytham. Kadib waxaa halkaa ku dhex maray dagaal aad iyo aad u daran oo lagu jebiyey Faarisiintii, laguna soo qafaashay Mardaan Shaah iyo Jaabaan. Ammaa Jaabaan waxaa dilay ninkii soo qafaashay, Mardaan Shaahse isagu waxuu qayaamay ninkii soo qafaashay markaasuu iska sii daayey, haddana mar kale waxaa soo qabtay ciidankii Muslimiinta, waxayna ula yimideen amiirkii ciidanka ee Abuu Cubeydah bin Mascuud waxayna ku yiraahdeen:” Waa amiirkii ciidanka Furuse ee dil”. Isagiina Abuu Cubeydah waxuu yiri:” Haddii uuba amiirkii ciidanka yahay anigaa dilaya”. Unuunka ayuuna u dheereeyay. Waxaa kaloo la sheegaa in uu nin Muslimiinta kamid ah magan geliyey. Dabeeta Abuu Cubeydah waxuu daba kacay raadka kuwii jabay oo uu wax badan ka laayey, maal badanna ka ritay, siduu u eryanayey ayayna ka dul dhaceen magaallada Kaskar oo uu madax ka ahaa wiil uu dhalay boqorkii hore ee Kisraa abtigiis, kaasoo la oran jiray Narsii. Kadib Narsii waxuu soo saaray reer Furus isagoo ku boorinayo la dagaallanka ciidanka Abuu Cubeydah bin Mascuud, waxaana dhex maray dagaal uu Alle ku jebiyey cadawgii Muslimiinta ee reer Furus, waxayna halkaas Muslimiintii ka qaniimeysteen qaniimo tiro badan, falillaahil Xamdu.

Khumuskii qaniimada iyo hantidii halkaa laga helay ayuu Abuu Cubeydah u diray dhankii amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab.

Kadib waxay isku heleen ciidamadii Muslimiinta iyo kuwii Narsii meel u dhaxayso Kaskar iyo Safaadhiyah, iyadoo ciidamada midigta iyo bidixda ee Narsii ay kala hoggaaminayaan labo nin oo uu dhalay abtigiis oo la kala oran jiray Bandaweyhi bin Nadhaam (ama bin Nasdhaam) iyo walaalkiis Beyraweyhi bin Nadhaam. Rustumna wuxuu diyaariyey ciidan kale oo uu madax uga dhigay nin la oran jiray Jaalinuus, si uu dhanka Narsii ugu soo diro gurmad ahaan. Haddaba markii uu Abuu Cubeydah arrintaa ka war helay ayuu ku deg degay inuu weerar culus ku qaado Narsii ka hor intuusan soo gaarin ciidanka Jaalinuus. Markaasuu weeraray, waxaana dhex maray dagaal culus oo lagu jebiyey ciidankii Narsi, kadibna Abuu Cubeydah iyo Jaalinuus baa waxay isku heleen goob la yiraahdo Baaruusimaa, waxaana ku dhex maray dagaal durtaba lagu jebiyey Jaalinuus iyo ciidamadiisii oo uu weliba la socday Narsii, markaasay orad ku galeen magaalladoodii Madaa’in.

Kadib Abaa Cubeydah bin Mascuud wuxuu diray Muthanna bin Xaarith iyo sirriyaad (wardoonno) kale oo uu dhan waliba u diray. Xoog iyo heshiis ayayna ku kala furteen hareerahooda. Kadib khumuskii qaniimada ayuu Abuu Cubeydah u diray dhankii Madiina iyo amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab.

Kadibna waxaa isla dhulka Furus ka dhacay..

Dhacdadii Jasar

Markii uu Jaalinuus ka dul dhacay boqortooyadoodii ayay Faarisiintii is dhaarsadeen oo ay soo direen ciidan culus oo uu hoggaaminayo Bahmas Jaadaweyhi, waxuuna Rustum usoo dhiibay calanka lagu magacaabo Darfash Kabyaan. Misna waxaa kaloo uu u dhiibay raayad yacni calan kale oo uu lahaa boqorkii hore ee Kisraa kana sameysneed maro xariir ah oo lagu qurxiyey yaaquut iyo murjaan, waxayna ahayd siddeed dhudhun dhererka iyo ballac. Waxay markaa kadib Faarisiintii udhaqaaqeen dhankii Muslimiinta iyo ciidamadii Abaa Cubeydah, waxaana labada qola kala dhex galay webiga Furaat, markaasay Faarisiintii soo cid dirsadeen iyagoo leh:” Inoo soo gudba ama aanu idiin soo gudubna? Markaasay Muslimiintii amiirkoodii ku yiraahdeen:” Amar ha inoosoo gudbaane”. Waxuuse ugu jawaabay:” Nagama jeclo geerida, innaga ayaana u gudbeyna”.

Kadib way u gudbeen, waxayna isku heleen goob ciriiri ah, oo dagaal darani ku dhex maray, kaasoo horey aysan Muslimiinta isagoo kale ugu tashan una arag. Muslimiintu waxay maalintaa ahaayeen kudhawaad 10 000, gaaladuse way ka tira badnaayeen, waxayna wateen reer Furus maroodiyaan tiro badan oo ay ku argagax gelinayeen fardaha Muslimiinta. Mar alliyooy weerar qaadaan fardooleyda Muslimiinta dib bay u soo noqonayeen fardaha oo sina uma galeyn goobta dagaalka iyagoo ka argagaxaya maroodiyaasha ay maalintaa Faarisiinta lasoo dagaal tegeen. Faarisiintii waxay maalintaa Muslimiinta oodda uga qaadeen gamuun oo ay halkaas kaga laayeen tiro badan, markaasuu amiirkii ciidankaasi Muslimiinta ee Abuu Cubeydah amray in marka hore la laayo maroodiyaasha, markaasay laayeen isaga iyo halyeeyadii Muslimiinta, waxaana jirey maroodi weyn oo cad kaasoo hoggaaminayey maroodiyaasha, kii ayaana soo haray markaasuu Abuu Cubeydah dhankiisii u dhaqaaqay si uu maroodiganna u dilo, markaasuu kharduumka seyf ku dhuftay oo xanuunjiyey, markaasuu maroodigii xanuunsaday oo qayliyey, suu Abuu Cubeyda ku istaagay oo dilay, halkaas ayuuna ku shahiiday amiirkii ciidankaas Muslimiinta. Kadib waxaa hoggaankii ciidanka qabtay amiirkii uu horey Abuu Cubeydah ugu dar daarmay inuu qabto haddii isaga la dilo, kadib buu weeraray qaaday jeer isagiina la dilay, misna waxaa qaaday amiir labaad oo Abuu Cubeydah u dardaarmay, kiina waala dilay, mid kale ayaa qaaday isagiina la dil, jeer ay halkaas ku shahiideen 7 amiir oo iskaga kala dambeysay hoggaanka kuwaasoo uu Abuu Cubeydah horey usii magacaabay haddii midi la dilo inuu midka kale hoggaanka qabto. Kadib waxaa qabtay amiirkii siddeedaad ee uu Abuu Cubeydah u dardaarmay, waxuuna ahaa Muthanna bin Xaarith bin Salamata As Sheybaani.

Waxaa la sheegaa in ay Doomah haweeneydii Abuu Cubeydah bin Mascuud ay ku riyootay riyo ah in ay dhacdadu ku noqon doonta mid bar bar dhac ah, markay arrintaas Muslimiintii maqleen bay daciifeen oo itaal darreeyeen, waxayna ku rajo weynayeen markii hore guul furasho iyo inay si ba’an u layaan cadawga, hase ahaatee niyad jabkoodii waxuu dhalay inay in badan oo kamid ah jabaan, in kaloo badanna ay webigii ku hafteen , dar kalena uu cadawgii laayey. Waxaa la sheegaa in maalintaas ay webiga ku hafteen ku dhawaad 4000 oo Muslimiin ah. Fa innaa lillaahi Wa innaa illeyhi Raajicuun.

Waxaa la sheegaa qofkii ugu dambeeyay ee Muslimiinta maalintaa iyada ah laga dila ama ka shahiida inuu ahaa Suliidh bin Qeys bin Camr bin Cubeydullaah bin Maalik bin Cadiyi bin Caamir bin Qanam bin Najaar Al Najjaari. Waxaa abti u ahaa Ascad bin Zaraarah, hooyadiina waxaa la oran jiray Ragheybah bint Zaraarah bin Sacad bin Cubeydullaah.

Dhanka kale Muslimiintu maalintaa waxay iyaguna cadawgu ka dileen tiro badan oo waxay goobtaa dhigeen 6000. Markii uu jabka soo gaaray ciidamadii Muslimiinta bay buundadii isku cidhiidhiyeen, deetana ay jabtay, taasina waa tii dhashay inay in badan webigii ku hafteen. Kadib buu Muthanna daraf kamid ah buundadii istaagay oo cod aad u dheer ku qayliyey isagoo Muslimiintii la hadlayo, waxuuna amray inay tartiibsadaan jeer uu buundadu uga hagaajiyo, kadibana isaga iyo qaar kamid ah halyeeyadii Muslimiinta ayaa buundadii hagaajiyey oo dabeetana si fudud bay ku mareen.

Ciidamadii Muslimiinta intii sugnaatay maahe, kuwii kale waxay u qayb sameen kuwa iyagu jiha ay u socdaan garan waayey iyo kuwa toos u abbaaray dhankii Madiina iyo Amiirkii Mu’miniinta.

Warka dhacdadan waxaa magaallada Madiina geeyay oo ugu horeeyay Cabdullaahi bin Zeyd bin Caasim Al Maaziniyu oo isagu masjidka soo galay goor uu Cumar mimbarka fuushanyahay oo uu dadka u khudbeynayey. Waxuu yiri:” Maxaa ku keenay Cabdullaahi ibnu Zeydoow!!? Waxuu yiri:” Amiirkii Mu’miniintoow! waxaa kuu yimid war dhab ah”. kadibna mimbarkii buu ugu korey oo si hoos ah warkii ugu sheegay.

Waxaa kaloo la yiraahdaa waxuu ahaa ninkii warka magaallada Madiina gaarsiiyey Cabdullaahi bin Yaziid bin Al Xuseyn Al Xadhmiyu, wallaahu Aclam.

Cumar bin Al Khaddaab ma uusan canaanan kuwii iyagu jabay ee ka dul dhacay Madiina, bal ee waxuuba ku qaabilay waji sami iyo soo dhaweyn isagoo yiri:” Waa aniga kan aad xaggiisa soo ciirsateen, Majuustiina Alle arrinkoodii waa ka shuqliyey”. Waxuu ula jeeday Furus oo ku xad gudubtay boqorkoodii Rustum oo misna mar kale soo celsheen oo ku lifaaqeen Al Feyruzaan, iyagiina ay u qabysameen labo qaybood. Kuwii ka jabay Jassar iyagu waxay u baxsadeen dhankii Al Madaa’in, markaasuu Muthanna sii raacdeystay, kadib baa waxaa usoo baxay labo amiir oo kamid ah Faarisiinta iyo ciidan ay siteen, kadibna waa lasoo qafaashay labadoodiiba iyo dad badan oo kamid kuwii ay wateen, dhammaantooduna kurka in laga ayuu Muthanna amray.

Kadib waxuu warqad u diray madaxdii Muslimiinta ee ku sugneed Ciraaq sida Bashiir bin Khassaasiyah iyo kuwa kale si ay gurmad ugu soo diraan, iyagiina way usoo direen, waxaa misna soo gaaray ciidankii uu Cumar bin Khaddaab horey ugu soo diray dhanka Abuu Cubeydah bin Mascuud oo uu hoggaaminayey Jariir bin Cabdullaahi Al Bujali oo ay la socdeen saadaaddii Muslimiinta iyo rag akhyaar ahaa.

halkaa ayuu ciidan aruursi ka waday Muthanna jeer uu markii dambe helay ciidan culus.

Seyf bin Cumar waxuu yiri:” Dhacdadani waxay dhacday bishii Shacbaan, goor laga jooga dagaalkii Yarmuuk 40 casho, sanadkan dhexdiisa, yacni sanadka 13aad ee Hijriga.

Dhacdadii Buweyb

Madaxdii Furus ayaa waxay maqleen ciidan aruursiga Muthanna bin Xaarith markaasay soo direen ciidan uu hoggaaminayo amiir la oran jiray Mahraan, waxayna isku heleen labada ciidan goob la yiraahdo Buweyb una dhaw halka ay maanta tahay magaallada Kuufa, waxaana u dhaxeeyo kaliya webiga Furaat.

Kadib waxay yiraahdeen Faarisiintii:” Ama inoosoo gudba ama aanu idiin soo gudubno? Muslimiintii oo dhegahoodu ay ka guuxayaan waxii ku qabsaday dhacdadii Jassar ayaa waxay ku yiraahdeen:” Mayee idinku inoosoo gudbo”, markaasay soo gudbeen.

Ammintu waxay ahayd bishii Ramadaan ee sanadkan, markaas buu Muthanna amray ciidamadii Muslimiinta inay affuraan si ay ugu ad adkaadaan cadawga. Waxuuna dhisay ciidankiisii oo raayad raayad u xidhay isagoo qolo waliba raayad qaas ah u dhiibay, kadibna inta uu dhex qaaday ayuu koox waliba u dar daarmay oo ku booriyey jihaadka iyo sabar iyo sugnaan iyo inay ku dadaalaan aamusnaanta. Qowmku waxaa ku jiray rag halyeeya ah oo ay kamid ahaayeen Jariir bin Cabdillaahi Al Bujali iyo saadaaddii Muslimiinta. Markaa buu Muthanna ciidankii la hadlay oo ku yiri:” Anigu waxaan takbiirsan doonaa (yacni oron doonaa Allahu Akbar!) saddex goor ee diyaar garooba, marka afraad-na weerarka ku qaada”. Muslimiintiina waxay hadalkii Muthanna ku qaabileen maqal iyo adeecid. Markii uu Muthanna takbiirsaday takbiirtii kowaad bay Faarisiintii weerar culus soo qaadeen, waxaana dhex maray dagaal aad u kulul, markiina uu arkay Muthanna safafkii Muslimiinta oo dabcaya ayuu soo diray nin cod dheer ku qaylinaya oo dadkii ku booriyey jihaadka. Markii ay muddadii dagaalku dheeraatay ayaa isaga Muthanna iyo asxaabtiisii waxay Alle ka baryeen inuu lib iyo guul ka siiyo cadawgooda oo uga gargaaro. Kadib wuxuu Muthanna kaxaystay rag kamid ah halyeeyadii Muslimiinta oo weerar darani ku qaaday dhankii Mahraan oo durkiyey ciidankii midigta ee Furus, waxaana Mahraan dilay wiil kamid ah Carabtii Nasaareyda kana dhashay banii Taqlab, oo faraskiisiina ka furtay. Sidaa waxaa xusay Seyf bin Cumar.

Ibnu Isxaaq waxuu isaguna leeyahay:” Waxuu ahaa ninkii Mahraan dilay Al Mundir bin Xassaan bin Diraar Al Dhabyu, kaasoo waran la riday, kadibna Jariir bin Cabdullaahi Al Bujali baa madaxa ka gooyey, markaasay isku qabsadeen hubkiisii, waxaase markii dambe qaatay Jariir bin Cabdullaahi Al Bujali.

Majuustii waa ay jabeen, markaasay Muslimiintiina firxadkoodii raacdeysteen oo ay laayeen, Muthanna bin Xaarithana wuxuu uga hor maray buundadii si aysan u gudbin oo Muslimiintu u laayaan. Maalintaa iyada ah iyo habeenkeedii ayay Muslimiintu raacdeysanayeen fiigoodii oo waxay helaanba laynayeen. Waxaa la yiraahdaa:” Dhacdadaasi wixii ay dileen Muslimiinta iyo kuwii webiga ku qarqaday isku dar waxay noqdeen 100 000 (boqol kun) Falillaahil Xamdu.. Halkan waxay Muslimiintii ka qaniimeysteen qaniimo aad u tiro badan oo aan la soo koobi karin, kadibna bishaaradii iyo khumuskii qaniimada ayaa waxaa loo diray dhanka amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab.

Dhanka kale Muslimiinta waxaa looga dilay dhacdadaan tiro badan, waxayna dhacdadani ahayd mid loogu gogol xaarayo in laga takhalluso boqortooyadii Furus ee boqollaalka sano dunida ka talineysay. Muslimiintii waxay tamkiiniyeen dhul aad istaraatiiji u ah oo ah nawaaxiga labada webi ee Dajlah iyo Furaat. Dhacdadan Buweyb ee iyadu ka dhacday dhulka Ciraaq waxay u dhigmataa dhacdadii Yarmuuk ee ka dhacday dhulka Shaam.

Furus oo Boqortay Yazdajrid

Boqorkii hore ee Sheyriin ayaa reer Kisraa inta isku soo aruuriyey qol ku xiray dabeetana wada laayey raggoodii oo daayey dumarkoodii. Yazdajrid hooyadiis waxay kamid ahayd dadyowgaasi la soo qab qabtay ee iyagu la doonayey in wiilashooda iyo raggoodu la laayo, waxayna markaa wadatay wiilkeeda Yazdajrid oo markaasi kuray yar ahaa. Kadib bay si hoos ah abtiyaashii ugu yeeratay oo ka dalbatay inay wiilkeeda u qariyaan, iyagiina intay qaadeen bay deegaankooda la aadeen. Markii ay dhaceen wixii dhacay ee aanu soo tilmaannay sida dhacdooyinkii Jassar, Buweyb iyo dhacdooyinkii lamidka ahaa, la dilayna wixii la dilay ee madaxdii Furus kamidka ahaa, iyo in weliba firxadkoodii raacdo lagu hayo oo dhul badan oo istaraatiiji ahina laga qabsaday ayay arrintaasi baaseysteen reer Furus. Waxay garan waayeen halka ay cilidi ka jirto, goor ay sidaa yahiin ayay maqleen in uu Cumar soo diray Sacad bin Abii Waqaas iyo ciidama uu hoggaaminayo. Markaasay madaxdoodii shir u fadhiisteen, waxayna keeneen labadii ugu sarreysay hoggaanka Furus ee kala ahayd Rustum iyo Feyruzaan, kadibna waxay ku dul akhriyeen dar daaran iyo goodis isku dhafan, waxayna ku yiraahdeen:” Haddaydaan u istaagin dagaalladani waanu idin dileynaa labadiinnuba”. Kadib qeyb kamid ah madaxda ayaa waxay keenen ra’yi ah in dumarkii reer Kisraa meel waliba la isaga yeero oo la weydiiyo tii hayso wiil reer Kisraa ah”. Mid waliboo kamid ah dumarkii reer kisraa marka la weydiiyo inay dhashay wiil, way inkireysay iyadoo u baqayso in laga dilo. Sidaasi kama aysan suulin jeer markii dambe ay keeneen Ummu Yazdajrid iyo wiilkeedii Yazdajrid, markaasay wiilkeedii Yazdajrid boqreen isagoo 21 jir ah, waana wiilkii uu dhalay boqorkii hore ee Kisraa (boqor Shahrayaar), waxayna casileen Bowraan bint Kisraa, taasoo iyadu hoggaanka kula heshiisay markii hore Rustum. Reer Furus aad bay ugu farxeen boqridda Yazdajrid waxayna la hor istaageen hiil iyo hoo aan lala dhicin, waxayna madaxdii Furus warqado u dirsadeen goballadii dhulkooda si ay u maqlaan una adeecaan boqorka cusub, iyagiina raynrayn iyo riyaaqid ayay ku qaabileen. In badan oo dadkaasi kamid ah baana ballamahii ay horey Muslimiinta ula galeen ka baxay, iyagoo aaminsan inay awooddii Furus imminka soo laabatay, maadaama reer Kisraa dib loosoo celiyey. Tanina waxay noqotay mid ay ku kedsoomeen sidaynuba arki doonna hadduu Alle idmo.

Muslimiintii goobahaa kusugnayd baa dib loosoo riixay, markaasay iyagiina warqad u dirsadeen dhankii amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab iyagoo ogeysiinayo xaaladda sida ay tahay. waqtigaasi wuxuu ahaa dhammadkii sanadkan yacnii 13-kii Hijriga Bishii Dul Qacdah, markaasoo uu Cumar soo amray inay ku sugnaadaan darfaha dhulka Furus.

Sida dhabta ahi ee ay badi culimaayi Siirah qabaan, waxay tahay inuu Cumar diray Sacad sanadkii 14aad ee hijriyada, sida aynu arki doonno Alle idinkii.

Imminkuna aanu u weecanno dhankaa iyo dhul furashadii Shaam, dhacdooyinkii sanadkan 13aad ee Hijriga.

Furashadii Dimashiq

Markii ay ciidamadii Muslimiinta furteen Yarmuuk, kadib buu Khaalid ku dul akhriyey ciidankii warqaddii ka timid Madiina iyo dhankii Cumar, taasoo caddeyneysay geeridii ku timid khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar iyo in uu khilaafadii qabtay Cumar bin Al Khaddaab iyo in weliba imaaradda Shaam masuul looga dhigay Abuu Cubeydah bin Al-Jarraax, Khaalid-na uu ku xigeyn u noqdo. Haddaba markaas bay dhaqaaqeen Abuu Cubeydah iyo Khaalid iyo ciidamadoodii oo ay Maraj Sufur aadeen iyagoo qorashahoodu ahaa in ay go’doomin ku sameeyaan Dimishiq, Yarmuuk-na waxaa lagu dhaafay fardooley uu hoggaaminayo Busheyr bin Kacab, Goor ay ciidamadii Muslimiinta ku suganyahiin goobta Maraj Sufur ayaa waxaa u yimid khabar ah in uu cadawga gurmad uga yimid dhanka Ximsa iyo in koox tiro badan oo Ruumaan ahna ay iskugu tegeen Fixli oo ka mid ah dhulka Falastiin (goobta Ardul Ghowr). Waxuu markaasi Abuu Cubeydah kala garan waayey tii uu ka billaabi lahaa Dimishiq ama Fixli. Markaas ayuu warqad u diray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, taasoo uu kala tashanayo tii uu ku hor mari lahaa. Haddaba markaa ayaa waxaa timid jawaabtii Cumar oo uu soo amray in ay ka billaabaan Dimishiq, waayo waa xaruntii Ruumaanka iyo gurigii boqortooyadooda, waxuuna amray in uu Fixil u diro koox fardooley ah oo sii mashquuliso waxuuna yiri:” Haddii uu Alle idiin furo Fixli kahor intaan Dimishiq la furan, waa sidaanu jecleyn, haddiise Dimishiq aad hor furataan, uga teg Dimishiq masuul oo adiga iyo ciidankaada ku dhaqaaqa dhanka Fixil. Haddii aad Fixil furataanna adiga iyp Khaalid aada dhanka Ximsa, Camr iyo Shuraxbiilna ku dhaaf Urdun”.

Seyf bin Cumar waxuu leeyahay:” Wuxuu Fixil u diray ciidan uu hoggaaminayo Camaarah bin Makhshiyi, waxuuna ka diray goobta Maraj Sufur, markaasay is heleen koox fardooley ah oo Ruumaan ah oo tiradoodu tahay 80000 ( siddeetan kun), dabeeto way furteen ka hor intaysan Dimishiq furan. Gadaal ayaanse ka xusi doonnaa dhacdadii Fixli iyo ciddii hoggaaminaysay sida ay Mu’arrakheenta qaarkood kayiraahdeen, hadduu Alle idmo.

Kadib Abuu Cubeydah waxuu diray ciidan uu madax uga dhigay Dil-Kulaac, waxuuna u diray inta u dhaxayso Dimishiq iyo Ximsa, si aysan wax gurmad ah u soo gaarin reer Dimishiq, misna waxuu diray ciidan kale oo uu u diray Falastiin iyo Dimishiq dhexdooda si ay iyana wax gurmad ah usoo gaarin reer Dimishiq. Dabadeedna waxuu ka dhaqaaqay Maraj As- Sufur isagoo kusii jeedo dhanka Dimishiq si uu go’doomin adag ugu qabto, waxuuna dhisay ciidankiisii isagoo dhaxda madax uga dhigay Khaalid bin Waliid, Camar ibnul Caasna labada dhinac mid kamid ah ayuu u dhiibay. Ciidanka Farooleyda waxuu madax uga dhigay Cayaad bin Qanam Al Fihri, kuwa lugtana waxuu u dhiibay Shuraxbiil ibnu Xasana isaguna Abaa Cubeydah waxuu hoggaaminayey labada dhinac mid kamid ah. Kadib way dhaqaaqeen, oo dul degeen Dimishiq oo go’doomin daran ay kuqabteen, waxaana markaa Dimishiq madax ka ahaa boqor la oran jiray Nasdhaas bin Nasdhuus. Ciidankii Khaalid waxay degeen dhanka bariga albaabka Keysaan, Abuu Cubeydana waxuu degay dhanka albaabka Jaabiyatul-Kabiir, Yaziid bin Abii Sufyaan iyo ciidan uu hoggaaminayeyna waxay degeen dhanka albaabka Jaabiyatus-Saqiir, Camr ibnu Al Caas iyo Shuraxbiil-na waxay degeen albaabadii kalee magaallada. Waxay Maalintaa ciidamada Muslimiinta xireen manjaniiq oo ay rideen dabaabaat, waxayna go’doomiyeen go’doomin tii u darneyd, waxaana lasheegaa inay go’doomintaasi ku hayeen muddo 70 casho, waxaa kaloo la yiri muddo 4 bilood, mise 6 bilood ama waxaa kaloo la yiri 14 bilood, wallaahu aclam.

Reer Dimishiq way diideen inay soo baxaan, waxayna u gurmad dirsadeen boqorkoodii Hiriqal, si uu ugu soo gar gaaro ciidamo gurmad ah, hase ahaatee ciidamadii gurmadka ahaa ee uu soo diray ma aysan soo gaarin, oo waxay soo dhaafi waayeen kuwii uu Abuu Cubeydah dhexda dhigay ee Dil Kulaac. Markii ay reer Dimishiq yaqiinsadeen inuusan gurmad soo gaari karin, bay xaaladdu aad ugu darraatay, oo ay daciifeen, Muslimiintiina go’doomintii bay sii adkeeyeen, waxana la galay waqtigii Jiilaalka oo qabow darani yimid, xaaladdiina ay Muslimiintii ku adkaatay, markaasuu Illaahay qadaray in wiil loo dhalo boqorkii magaalada, markaasuu xaflad heer sara ah sameeyay oo khamri la wada cabbay, markaasay wada daateen dadkii iyagoo wada sakraansan oo ay wada seexdeen.

Amiirka ciidamadii fadhiyey albaabka Keysaan ee Khaalid bin Al Waliid wuxuu ahaa mid aanan seexan oo aan la seexinin, waxuu ahaa halyeey habeennada dagaalka soo jeedo. Waxuu dareemay daganaashaha caawo ka muuqda dhanka cadawga iyo shanqadh la aanta xaggooda, markaasuu damcay inuu war jeefo, hase ahaatee waxaa u dhaxeeyay gidaar aad u weyn iyo god meesha ka qodnaa oo biyo ah. Khaalid waxuu soo kaxaystay qaar kamid ah sanaadiidii iyo halyeeyadii ciidanka oo ay kamid ahaayeen Al qacqaac bin Camr iyo Al Macduur bin Cadiyi iyo qeyrkooda, waxayna soo dhex jibaaxeen toggii oo ay dabaal kusoo gudbeen, markiina ay soo gaareen gidaarkii, ayaa waxay tuurteen xargo oo ay ku qabsadeen biro meesha gidaarka ku yaallay, markaasay ku koreen jeer ay dhinaca kale uga degeen. Markaasay laayeen waardiyaashii goobtaa joogay iyo wixii meesha ka dhawaa oo dad ah, dabeetana albaabkii bay fureen, markaasay ku dhawaaqeen takbiir (Allaahu akbar) dabeetana waxaa yimid ciidankii Khaalid ee albaabka Keysaan fadhiyey markii ay soo galeen bay laayeen, wixii ay arkaanba oo magaaladi dhan dhex qaadeen.

Dadkii magaallada markay maqleen takbiirtii Muslimiinta ayay iyagoon waxba garaneynin u kala ordeen albaabadii, koox kastoo albaabkii Keysaan xaggiisa u oradaana ma aysan sii noolaan, oo waxaa la dilay dil kii u darnaa, waxaana ka shaqeeyay ciidamadii Khaalid bin Waliid, kuwii kalena ee dadkaasi meeshaa deganaa waxay u carareen dhankii albaabadii kale, markaasay Abuu Cubeyda iyo amaraa’di kale ka fureen oo ay heshiis ka dalbadeen, markaasay magaalladii heshiis kusoo galeen. Waxayna bartama magaallada ku kulmeen Khaalid oo dhankiisa xoog kusoo furtay, markaasay ku yiraahdeen:” Raggu waanu la heshiinnay”. Markaasuu isagiina yiri:” Aniguna xoog ayaan kusoo furtay oo wax heshiis ahna ma ina dhex marin”. Halkii ayuuna kur goyntii cadawga kasii waday.

Abuu Cubeydah ayaa la hadlay Khaalid oo u tilmaamay inuu dagaalka joojiyo maadama uu la heshiiyey dadka, Khaalidna waa uu maqlay oo adeecay. Madaxdii ciidamada Muslimiinta waxay ku kulmeen meel ay ku taallay kaniisad la oran jiray Al Maqsilaadh.

Magaallada Dimishiq culimadu way isku khilaafaan, ma heshiis baa lagu furtay ama xoog? Waxaysa badankoodu ku kulmiyaan in Dimishiq lagu furtay bar heshiis, barka kalena xoog, waana sida ay badi qabaan culimada taariikhda wax ka qorta. Waxaa lagu xukmiyaa in barka Khaalid bin Waliid lagu furtay xoog, barka kalee madaxdii kalena lagu furtay heshiis. Haddaba sidaa iyada ahi magaallada waxaa ku yaallay 15 kaniisadood, oo ay ugu weyneed kaniisad la oran jiray Yuuxannah, labo qaybood ayaana loo qeybiyey Kaniisaddaasi Yuuxannah oo bar kamid ah waxaa laga dhigay masjid, barka kalena kaniisadnimadeedii ayay ku baaqi noqotay. Sidii kaniisadda loo kala qaybiyey ayaana magaalladii loogu xukmay in barkeeda lagu furtay heshiis barka kalena xoog iyo seyf.

U Diriddii Khaalid ee Dhanka Al Buqaac

Kadib baa Abuu Cubeydah waxuu Al Buqaac u diray Khaalid, markaasuu seyf ku furtay. misna waxay goobta Ceynu Meysuun isku heleen ciidamo Ruumaan ah oo uu hoggaaminayo nin la oran jiray Sinaan oo waxaana dhex maray dagaal, halkaanna waxaa Muslimiinta uga shahiiday jamaaco badan, sidaa baana meeshaa mardambe loogu baxshay Caynush-Shuhadaa. Kadibana waa ay jabeen cadawgii Ruumaanka.

Waxuu Khaalid halkaa kula heshiiyey reer Baclabak..

Kadib Abuu Cubeydah waxuu magaalladii Dimashiq uga tegay Yaziid bin Abii Sufyaan, kaasoo isagu markii hore ku wajahnaa jihadeeda. Yaziid-na waxuu diray sirriyad ama wardoon uu hoggaaminayo Dixyah bin Khaliifah Al Kalbi oo uu u diray dhanka Tadammur si uu arrinkeeda dhan ugu tuuro, waxuu kaloo misna diray Abuu Zahraa Al Qusheyriyu oo uu udiray dhanka Bathaniyah iyo Xowraan, waxuuna ku furtay heshiis. Qaryooyinkii ku teedsanaa Dimishiq oo idil waxaa badi lagu furtay heshiis, gacanta Yaziid bin Abuu Sufyaan.

Khaliifah bin Khayaad wuxuu ka soo weriyey Cabdullaahi ibnu Muqiirah oo isaguna aabahiis kasoo weriyey inuu yiri:” Dhulka Urdun Shuraxbiil baa xoog ku furtay marka laga reebo Dabariyah oo uu ehelkeedii kula heshiiyey”.

Ibnu Isxaaq waxuu xusay in Baclabak iyo Ximsa la furtay sanadkii 14aad ee Hijriga bishii Dulqacda, laguna furtay gacanta Abuu Cubeydah bin Jarraax heshiis ahaan.

Dhacdadii Fixli

Culimo badan oo kamid ah Culamaayi Siirah waxay xuseen in Fixil la furtay ka hor Dimishiq sidaynu soo tilmaannay, waxaase qabo inay Fixil ka dambeysay Furushadii Dimishiq Al imaam Abuu jacfar Ibnu Jariir Ad Dhabari, sidaana waxaa ku raacay Seyf bin Cumar Al Tamiimi sida ku sugan siyaaqadiisa oo ay kasoo weriyeen Abii Cuthmaan Yaziid bin Useyd Al Ghasaani.

Waxay soo min guuriyeen in markii la furtay Dimishiq lagu dhaafay Yaziid bin Abii Sufyaan, ciidankii kalena ay aadeen dhanka Fixil, waxaana ciidankan Fixil u baxay hoggaaminayey Shuraxbiil bin Xasana, ciidanka hore waxaa madax looga dhigay oo hoggaaminayey Khaalid bin Waliid, kuwa midigtana waxaa hoggaaminayey Abuu Cubeydah bin Al Jarraax, dhanka bidixdana waxaa loo dhiibay Camr bin Al Caas, fardooleyduna Diraar bin Al Azwar (waxaa kaloo la sheegaa inuu Diraar kushahiiday dagaalladi aynu soo xusnay midkood). Ciidamada lugta waxaa hoggaaminayey Cayaad bin Qanam Al Fihri, guud ahaan ciidankaas oo idilna waxaa madax u ahaa Shuraxbiil bin Xasanah. Way dhaqaaqeen ciidamadan, waxayna abbaareen dhanka Fixli.

Markii ay Muslimiintii gaareen goobtaasi Fixli ee Ardul Qowr ayay Ruumaankii waxay isugu tegeen Beysaan, dabeetana waxay soo deeyeen biyahii dhulkaas oo iyagii iyo Muslimiintii kala dhex galay dhulkiina ka dhigay dhul dhiiqo badan oo cagtu qaban karin (waxaaba la sheegaa in sababtaasi darteed dhulkaas loogu baxshay Ardul Qowr, magacaasoo dhulkaasi markii dambe loogu yeeri jiray). Sidaynu soo xusnay guud ahaan ciidamada Muslimiinta waxaa madax u ahaa Shuraxbiil bin Xasana, gaalada Ruumaankuna waxaa hoggaaminayey Saqlaab bin Makhraaq, markaa bay Muslimiintii degeen, waxay dhowraanna waa sidii ay arrini ku dambeyn lahayd oo Rabbi ayay talo saarteen. Amiirkii ciidamadaasi Muslimiintuna waxuu ahaa mid digtooni xad dhaaf ah qabay oo xitaa hurdadiisu ay yareeyd, sidaa si lamid ahina ciidamadii Muslimiintoo dhami iyaguna xadrigoodu taam buu ahaa. Haddaba goor habeen ah bay Ruumaankii u maleeyeen inay Muslimiintu wada hurdaan, waxayna damceen inay soo dooxateeyaan oo wada laayaan, hase ahaatee waxay Muslimiintii u wada boodeen mar qura sidii boodidda uu mar kaliya boodo nin. waxaana dhex maray dagaal aad u kulul oo ilaa subaxii socday, misna subaxaas illaa uu gabalkii ka dhacay ayuu sii socday, markiina uu dhulkii madoobaaday gudcurkii habeennaad dartii bay Ruumaankii jabeen oo amiirkoodii Saqlaabna laga dilay. Muslimiintiina firxadkoodii bay sii eryadeen oo sii laynayeen jeer ay ka dul dhaceen biyahii ay markii hore iyagu soo daayeen, oo ay in badan oo kamidi ku harqadeen, darkaloo badan oo lagu qayaasay 80 000 ( Siddeetan kunna ) Muslimiintii baa laysay, Waxaa kaloo la sheegaa markii horeba inay tiradoodu ahayd 80 000, waxaana yaraa intii ka bad baadday, halkaasina waxay Muslimiintii ka heleen qaniimo fara badan iyo maal cusul.

Abaa Cubeydah iyo Khaalid iyo intii la socotay baa markaa waxay u boqaalleen dhankii Ximsa siduuba amiirkii Mu’miniinta horey usoo amray, waxuuna Abuu Cubeydah Urdun masuul uga dhigay Shuraxbiil ibnu Xasana oo uu la socda Camr bin Al Caas. Kadib waxay go’doomin ku qabteen Beysaan jeer ay markii dambe dadkii deganaa u soo baxeen, waxaana dhex maray dagaal aad u weyn oo durtaba ay markii dambe heshiis dalbadeen, markaasuu kula heshiiyey mid lamida heshiiskii reer Dimishiq. Sidaa si lamid ahina Abul Acwar Al Sulami ayaa reer Dhabariyah kula heshiiyey.

SANADKII 14AAD

Bilashadii sanadkani howlihii sidii hore waa ay ka fududaadeen, waxaanna soo qaadan doonnaa waxyaabahihii dhacay inagoo marba qaadaa dhigi doonno dagaalladii kasocday labada dhinac (Furus iyo Ruum).

Si ay markaasi inoogu fududaato inaanu fahamno qaabkii dhacdooyinka, anagoo marka mid qaadan doonno ayaa waxaan hadda ku hor mari doonnaa dagaalladii iyo dhacdooyinkii ka socday dhanka Furus oo sanadkii hore inoogu joogay ”BOQRIDDII YAZDAJRID”.

Billowgii sanadkan ayay ahayd markii uu amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab uu dadka ka dhex istaagay isagoo ku boorinayo jihaadka iyo dagaallada ka soconaya dhulka Ciraaq. Taasina waxay ahayd ka gadaal markii laga soo guddoomay muwaasimtii xajka ee sanadkii 13aad iyo kadib markuu maqlay wixii ciidamadii Muslimiinta kusoo gaaray dagaalkii Jassar iyo dilkii amiirkii ciidamadaas ee Abuu Cubeydah bin Mascuud Illaahay ha u naxariistee, iyo in waliba madaxdii Ciraaq badidoodii laga soo saaray goobahii ay horey u qabsadeen, in badan oo kamid ah dadkii jizyada dhiibayay ee horey Muslimiinta heshiiska ula galayna ay ballamahii ka baxeen, iyagoo ku kadsoomay boqorkii cusubaa ee ay Furus caleema saaratay, sidii isagoo usoo celin doono saldanadoodii iyo awooddoodii hore, oo uu hor istaagi karo huganka iyo guuxa Islaamka iyo ehelkiisa.

Waasidaase waxay markaasi madaxdii Muslimiinta ee dhulkaasi ku sugneeyd warqad u dirsadeen dhanka amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab sidaynuba soo xusnay, taasoo ay ku ogeysiinayeen xaalladu sida ay tahay iyo in dhulal badan laga soo saaray, waxayna ka dalbadeen inuu gurmad culus u soo diro. Sababihii dhaliyey inuu Cumar horaantii sanadkan dadka ku booriyo jihaadka dhulka Ciraaq ayaa waxay ahaayeen kuwaas aanu soo xusnay. Markaa iyada ah buuna la dhaqaaqay ciidan culus oo uu isla isagu naf ahaantiisu hoggaaminayo. Ammintu waxay ahayd maalintii kowaad ee bishii Muxarram ee isla sanadkan, waxuu magaalladii Madiina kala dhaqaaqay ciidan culus oo uu isagu hoggaanka u hayo, magaaladii Madiinana waxuu ku dhaafay Cali bin Abii Dhaalib, waxuuna la dhaqaaqay ciidankiisii jeer uu gaaray goob la yiraahdo Suraar oo ah meel biyo leh, halkaas ayuuna dejiyey ciidamadiisii. Waxaa la socday ciidankaas halyeeyadii iyo culimadii saxaabada oo ay kamid ahaayeen Cuthmaan bin Cafaan, Sacad bin Abii Waqaas, C/Raxmaan bin Cowf iyo kuwa kale. Cumar waxuu amray in la addimo salaadda oo jamaaco lagu tukado, kadib buuna dadkii ogeysiiyey shir loo wada dhan yahay oo uu kala tashanayo inuu baxo iyo in kale, magaalladii Madiinana waa uu u cid diray si Cali loogu yeero oo uu showrada uga qayb qaato. Markii uu Cali yimid showradiina la billaabay badi saxaabadii waxay ku taliyeen in la baxo oo amiirka Mu’miniintuna uu ciidanka hoggaamiyo, raggii ra’yigaasi sida weyn ugu dhegnaa waxaa kamid ahaa Cuthmaan ibnu Cafaan iyo qaar kamid ah odayaashii saxaabada, hase ahaatee C/Raxmaan bin Cowf baa isagu taa caksigeeda la yimid, waxuuna isagu ra’yi ahaan qabay in amiirka Mu’miniinta uusan bixin oo uu booskiisa cid kale diro, waxuuna yiri:” Anigu waxaan arkaa (amiirkii Mu’miniintoow!) haddii lagu jebiyo, iney jab ku tahay oo ay taasi daciifin doonta Muslimiinta dunida oo idil, haddaba dir booskaada nin kale oo adigana iskaga laabo magaallada Madiina”. Cumar bin Khaddaab ra’yigaas buu qaatay, markaa bay dadkii lideen ra’yigii C/Raxmaan bin Cowf oo ku tilmaameen mid sahiifnimo ah.

Waxuu yiri Cumar (isagoo ibnu Cowf la hadlayo):” Oo yaay kula tahay inaan dhulka Ciraaq u dirno?

Waxuu yiri:” Waad heshay?

Waxuu yiri:” Oo waayo?

Waxuu yiri:” Asad fii Baraathinih Sacad bin Maalik (Sacad bin Abii Waqaas).

Kadib waxuu Cumar qaatay ra’yigii iyo fikirkii C/Raxmaan bin Cowf, ciidamadiina waxuu u dhiibay Sacad bin Abii Waqaas oo uu u dardaarmay. Waxaa kamid ahaa dardaarankiisii :

Sacad ibnu Uheyboow!! (Uheyb bin Cabdimanaaf waa awoowga Sacad bin Abii Waqaas iyo adeerka Aamina bint Wahab bin Cabdimanaaf- Nebiga SCW hooyadiis) yaysan ku kedin in lagu yiraahdo waa abtigii Rasuulka SCW iyo saaxiibkiis, Illaahayna xumo kuma tir tiro xumo kale, ee waxuu ku tir tiraa xumuhu wanaagga, Majirto qof isago iyo Alle Sarreeye uu ka dhaxeeyo wax xiriir ah, oo aan ka ahayd mid ku sugan daacadda Alle, dadka kooda shariifka iyo kooda daciifka ahba daatada Alle waa ay u siman yahiin, Allaah waa Rabbigooda, iyaguna waa addoomadiisa. Amarka eeg Sacadoow! kii aad ka aragtay Rasuulkii Alle SCW tan markii lasoo diray jeer uu naga faaruqay, oo laasim markaa amarku waa isagee, tani waa waanadeydii aan kuu dardaarmayey oo haddii aad ka weecato oo ka dacal dhacdo, markaa waxaa burayo camalkaadii oo waxaadna noqoneysaa mid khasaaray”.

Markii uu damcay Sacad inuu dhaqaaqo ayuu misna Cumar yiri :” Sacadoow! waxaad u tegi doontaa arrin kulul (dagaal ) ee ku sabir oo hakugu kulanto cabsida Allaah. Ogoow cabsida Allaah waxay kulmisatay laba arrimood (oo kala ah) ku sugnaashaha daacaddiisa iyo ka fogaanshaha macsidiisa. Daacaddiisu waa in loo carooda yacni la naco adduunyada oo la jeclaado aakhiro. Caasinnimaduna waa in la jeclaado adduunyada oo loo carooda aakhiro, yacni la naco.

Sacad wuu dhaqaaqay waxuuna abbaaray dhankii Ciraaq isagoo ay la socdaan duulkiisii, markiina uu gaaray goobta Nahru Zaruud oo uu ku dhawyahay inuu la kulmo Al Muthanna bin Xaaritha oo midiba midka kale uu u xiisho qabo, buu Muthanna geeriyooday, waxuuna u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dagaalkii Jassar ee uu ku geeriyooday Abuu Cubeydah bin Mascuud Al Thaqafi.

Waxuu Muthanna ciidamadii Ciraaq usii dardaarmay inuu masuul u noqda Bashiir bin Khasaasiyah. Markii ay Sacad gaadhay geerida Muthanna buu u raxmad dalbay oo u duceeyay, waxuuna guursaday haweeneydiisii uu ka tegay oo la oran jiray Salmaa.

Sacad markii uu tegay Ciraaq amiir kastoo kamid ah amiiradii ciidamada Muslimiinta ee dhulkaasi ku sugneyd waxay wada hoos yimaadeen xukunkii Sacad oo geyigaas Ciraaq oo idil isaga ayaa amiir ka noqday, siduuba Abaa Cubeydah bin Al Jarraax oo isaguna tobankii jannada loogu bishaareyay kamid ahaaba uu masuul uga ahaa Shaam oo idil. Intaa Dabadeed waxuu Cumar sacad u soo diray ciidamada gurmad ah, waxuuna markii dambe la kulmay ciidamadii Furus maalintii Qaadisiyah isagoo amiir u ah 30 000 ama 36 000 dagaalyahanno ah.

Cumar waxuu yiri:” Illaah baan ku dhaartaye waxaan isku dhufan doonaa boqorrada Cajamta (Furus) iyo boqorrada Carabta”. Kadibna waxuu Cumar soo amray Sacad qaabkii uu sacad u dhisi lahaa ciidanka weerari lahaa Faarisiinta, waxuuna amray in qabiilo waliba oo kamid ah ciidamada Muslimiinta laga xulo rag aqoon dheer u leh tolkooda oo markaas koox waliba la hubiyo tabtooda, kadibna la aado Qaadisiyah.

Sacad sidii buu yeelay waxuuna dhisay ciidamadiisii isagoo ku dhisay amarka amiirkii Mu’miniinta midig, bidax gaadada dambe, ciidamada lugta iyo kuwa fardooleyda iyo kowa horeba. Waxuu Cumar usoo doortay qaadinnimada ciidankaas Cabduraxmaan bin Rabiicah Al Baahili oo loo yaqiinnay Dun-Nuun, isaga ayaana loosoo xil saaray qaybinta qaniimada iyo fayga. Daaciga ciidanka iyo kii wacdinayey mar walibana waxaa loo xilsaaray Salmaan Al Faarisi. Qoridda ciidanka iyo qaniimooyinkana waxaa loo xilsaaray Ziyaad bin Abii Sufyaan.

Ciidankan waxaa ku jiray 300 iyo dhowr iyo toban saxaabi, 70 iyo dhowr kamid ahi waxay ahaayeen asxaabtii ka qayb gashay dagaalkii Bader, waxaa kaloona la socday 700 oo kamid ah dhashii saxaabada.

Kadib Cumar waxuu soo amray inuu Sacad ku dhaqaaqo Qaadisiya, waxuuna amray inuu qaado jidka oo wixii uu helaana uusan u gaban oo aysan cabsi gelin tira badni kastoo ay cadawgu ku suganyahiin. Misna waxuu usoo diray warqad kaloo uu ugu dardaarmayo ciidamada Muslimiinta iyo amiirkooda Sacad, waxuuna u tilmaamay inuu sabro sabar baliiq ah oo uu Alle hiil iyo gargaarba weydiisto iyo in uu badiyo qowlka laa xowla walaa quwati illaa Bil-laah. iyo in uu mar waliba warqad usoo diro isagoo ka codsaday inay warqaddaasi noqota mid u hadleyso sida isagoo ( Cumar ) uuba u jeedo ama ay muuqdaan ciidamada dhulka Ciraaq, waxuu Cumar ka codsaday Sacad inuu u sifeeyo halka ay Muslimiintu marayaan iyo halka ay dagayaan intuba oo maalin waliba iisoo dir warqad ayuu yiri. Markaa buu Sacad u diray amiirkii Mu’miniinta warqad uu uga warramayo halka ay kusuganyahiin isaga iyo ciidamadiisii iyo in ay is heli doonaan Rustum arrinkuna uu Alle ogaal badan yahay sida uu xaal ku dambeyn.

Cumar ibnu Al Khaddaab markay u tegtay warqaddii Sacad ee ka warrameysay xaaladdii Muslimiinta ayuu u duceeyay ciidanka si guud, gaar ahaanna Sacad buu u duceynayey har iyo habeenba isagoo Alle uga baryayey inuu nasri iyo guul ka siiyo cadawga. Sacad horey buu u socday isagoo ku jira dalabka Qaadisiya, markiina uu marayey meesha la yiraahdo Al Cudeyb baa Muslimiintii waxaa ku soo baxay jamac Faarisiin ah oo uu hoggaaminayo Sheyrizaad bin Ardaaweyh, halkaas bayna Muslimiintii ku jibiyeen cadawgii Majuusta oo ay ka qaniimeysteen qaniimo badan, kadibna qaniimadii buu Sacad intuu qeybiyey ayuu khumuskiina u diray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar ibnu Al Khaddaab. Muslimiintii aad bay ugu farxeen guushaas ay gaareen, waxayna u noqotay rayn rayn iyo farxad iyo niyad dhis.

Kadib waxuu diray siriyad yacni wardoon uu madax uga dhigay Qaalib bin Cabdullaahi Al-Leythi.

Dagaalkii Qaadisiyah

Kadib Sacad wuu dhaqaaqay waxuuna degay Qaadisiyah oo uu diray siriyaad iyo wardoonna, waxuuna halkaas ku sugnaa bil uusanna cidi la kulmin kamid ah Faarisiinta, markaa buu Sacad warqad u diray amiirkii Mu’miniinta Cumar bin Khaddaab taasoo uu ku ogeysiinayo xaaladda. Reer miyigii iyo ari raacyadii Furus dhulkoodii bay u yaabeen markay arkeen wardoonnadan galab iyo subax dul heebaabayo deegaannadii ay xoolahooda ku raacan jireen, markaa bay u tegeen boqorkii Yazdajrid oo ay ku yiraahdeen:” Haddaydaan naga kaafinin kuwan (Muslimiinta) oo aydan inooga fillaanin waxaan u dhiibeynaa waxa gacmahayaga ku jiroo idil, qalcadahana waan ugacan gelineynaa”.

Kadib Faarisiintii shir bay u fadhiisteen, waxayna isku raaceen in la diro Rustum iyo ciidan uu hoggaaminayo, markaa buu boqorkii Yazdajrid u cid diray Rustum si uu ugu yimaado, markiina uu u yimid waxuu amray inuu ciidanka hoggaamiyo oo Muslimiinta uu ka hor tego hase ahaatee Rustum waa uu ka cududaartay arrintaas mana ahayn ra’yigiisa ra’yi dagaal waxuuna yiri :” Arrinkaan aad waddaan maaha ra’yi dagaal, in Carabta ciidama la iskaga daba diraayi waxaa uga adag in hal mar loo diro ciidan culus oo mar qura jebiyo”. Boqor Yazdajrid wuu diiday waxaan ka ahayn ra’yigiisii ahaa in uu ciidankaasi hoggaamiyo Rustum, markaa buu Rustum isku diyaariyey bixid iyo inuu aado dhankii Muslimiinta. Sacadna waxuu diray wardoonno uu u diray magaallada Xiirah, wardoonnadii waxay usoo tebiyeen in boqorkii Furus ee Yazdajrid uu amray ciidan culus si ay hal mar u jebiyaan Muslimiinta iyo inuu weliba ciidankaas madax uga dhigay Rustum bin Farakhzaad Al Armani oo uu misna u diyaariyey ciidama kale oo gurmad ah. Markaa buu Sacad warqad u diray amiirkii mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab uu ku ogeysiinayo arrintaas, markaa buu Cumarna soo diray warqad kale oo uu leeyahay:” Yaaysan ku kurbo iyo cabsi gelin waxa kaaga imanayo xaggooda (cadawga) ee Alle kaalmo weydiiso oo isaga talo saaro, una dir xaggiisa (Rustum) nin (ciidamada Muslimiinta kamid) ah oo indheer garad ah oo ra’yi u saaxiib ah, si uu xagga Alle ugu yeero, Alle baana yeelaya yeeriddiina aad u yeereysaan mid itaal darri ku riddo (iyaga Furus) oo dufeyso, maalin walibana iisoo qor warqad”.

Rustum wuu soo dhawaaday waxuuna ciidankiisii dejiyey goob la yiraahdo Saabaadh, markaa buu Sacad warqad u diray amiirkii mu’miniinta Cumar bin Khaddaab uu ku leeyahay:” Rustum waxuu soo degay Saabaadh isagoo la yimid fardo iyo maroodiyaal uu nagu gilgilayo, waxbase xaggayaga oo aan u aragno majirto, aan ka ahayn inaan jeclaaday inaan mar waliba kula socdsiiyo xaaladda”.

Rustum waxuu dhisay ciidamadiisii isagoo ciidankiisa hore oo 40 000 ah madax uga dhigay Jaalinuus, ciidanka midigtana waxuu madax uga dhigay Hurmuzaan, ciidanka bidixdana Mihraan bin Bahraan waxayna ahaayeen 60 000, ciidanka dambena waxuu madax uga dhigay Bandaraan waxayna ahaayeen 20 000. Seyf bin Cumar waxuu leeyahay:” Ciidamadiisoo idilba waxay ahaayeen 80 000.

Werin kalena waxaa kusugan inuu Rustum la yimid maalintaa 120 000 ciidan ah oo ay raacsanaayeen 80 000 gurmad ah (waa sida ay culimada mu’arrakhiintu badidoodu rajaxeen) oo uu sitay 33 maroodiyaal ah, waxaa kamid ahaa maroodiyaashaasi mid cad oo uu lahaa Saabuur, waxuu ahaa maroodigii ugu weynaa maroodiyaasha oo hor kacayey ama hoggaaminayey.

Kadib Sacad waxuu diray jamaaco kamid ah saadaaddii Muslimiinta oo ay kamid ahaayeen: An Nucmaan bin Muqarrin , Furaat bin Xayaan, Xandhalah bin Rabiic At Tamiimi, Cudhaarid bin Xaajib, Al Ashcat bin Qeys Al Kindi, Muqiirah bin Shucbah Ath Thaqafi, iyo Camr bin Macdiyakrib Az Zubeydi. Raggani waxay ahaayeen rag karmeedyadii ciidankaa Muslimiinta, waxaa loo diray si ay Rustum ugu yeeraan xagga Allaah Sarreeyo iyo Islaamka.

Markay utageen Rustum baa waxuu ku yiri:” Oo maxaa idin keenay? Waxay yiraahdeen:” Waxaanu u nimmid ballantii uu Allaah inooga kiin qaaday ee ah qaadashada dhulkiinna, iyo inaan qafaallano dumarkiina iyo carruurtiinaba oo aan weliba qaadanno maalkiina, arrintaasina innagu si dhab ah baanu u hubnaa”. markaas ka hor buuna Rustum riyo arkay , taasoo ahayd : Malag Samada kasoo degay oo aruurshay hubkii Furus oo u wada dhiibay Muxammed ( SCW ) oo Muxammadna uu ku wareejiyey Cumar bin Khadaab.

Sida uu xusay Seyf bin Cumar, Rustum wuu ka warwareegayay inuu la kulma Sacad bin Abuu Waqaas iyo Ciidanka muslimiinta , waxayna noqotay markii uu Rustum kasoo baxay caasimadiisii Al Madaa’in illaa iyo intii ay isku heleen muslimiinta goobta Qaadisiya muddo afar bilood ah.

intaasna wuu diidanaa dagaal uu la galo muslimiinta, habeen walibana intii muddadaas lagu jiray, marna wuu u goodin muslimiinta, marna wuu sasabi oo waxuu lahaa wax baan idin siin waan idin arrad tiri, midkiin walibaana daraahiim ( lacag ) baan siini sanadka markii la gaarana intaas in la mid inoogu imaada , iyo eraya kaloo lamid ah isagoo raba inay ka laabtaan dhulka Furus.

Markii ciidanka isku soo dhawaaday ayuu Sacad diray nin kamid ah ciidamada fardooleyda ee muslimiinta si uu akhbaar uga keeno nimanka majuusta ah , waxuuna ahaa ninkaas uu diray Dhuleyxa bin Khuweylid Al Asdi, kaasoo ahaa ninkii Nebinimada sheegtay hadana toobad keenay oo wanaagsanaaday. Waxuuna Dhuleyxa raad weyn ku lahaa furashooyinkii Dhulalka Furus. Dhuleyxa waxuu soo qabtay nin kamid ah majuusta oo uu u keenay Sacad ninkii markuu arkay geesinimada Dhuleyxa iyo ciidankii uu kasoo dhex qabtay intuu dhamaa, ayuu islaamay markii dambe .

waxuu ninkaas markii su’aal la weydiiyaba ku mashquulsanaa oo uu ka sheekeynayay geesinimadii Dhuleyxa bin Khuweylid iyo tirada ciidanka uu kasoo dhex qabtay intuu la ekaa. Markaasuu Sacad ku yiri:” War inaga daa taase inooga warran Rustum a, markaasuu yiri:” Waxuu sitaa 120 000 in lamid ah oo gurmadna waa u diyaar,

Intaas kadib ayuu Rustum soo cid dirsaday isagoo ku leh Sacad: ii soo dir nin caqli leh oo wax yaqaan, si uu ula naqaasho yacni uu la dooda, markaa bay ahayd markuu Sacad u diray Muqiirah bin Shucbah. Markii uu Muqiirah u tegay, ayaa waxuu Rustum guda galay inuu yiraahdo:” Waxaad tahiin deriskayaga waana idin wanaajin jirnay oo wax xumaan ah idima soo gaarsiin jirin ee haddaba ku laabto dhulkiinnii, una diidi mahayno tijaaradiinna inay dhulka yaga timaaddo. Waxuu Muqiirah ugu jawaabay:” Ma nihin inagu kuwa raadinayo adduun, kaliya hammiga nagu iyo dalabkeennu waa aakhiro, Illaah baa waxuu inoo soo diray Rasuul uu ku yiri: Waxaan kooxdan (Muslimiinta ahi) ku salliday cid kastoon diinteydan diin ka dhiganin, iyaga ayaana uga cad goosanaya, guul ayaanna dushooda yeeli doonaa intay kusugan yahiin (Muslimiinta) diintan. Waa diinta xaqa ah oo aysan jirin cid ka leexato illaa Alle wuu dulleeyaa, ciddii qabsataana Alle wuu cizeeya”.

Markaa buu Rustum yiri:” Oo maxay tahay diintu?

Waxuu Muqiirah yiri:” Amaa tiirka aysan ka ansaxmeyn la’ aantiisu waa qiridda inuusan jirin Alle la caabbudo oo aan ka ahayn Alle kaliya, Muxammedna ( SCW ) uu yahay Rasuulkii Alle SCW, iyo in lagu qanco waxii uu xag Alle kala yimid”. Waxuu yiri Rustum:” Oo maxaa ka wanaag badan? Oo maxaa kaloo xiga hadana? Waxuu yiri:” Iyo in laga saaro is addoonsiga ay addoomadu is addoonsadaan oo addoonnimadu ay u ahaato Alle oo kaliya ( macnaha isaga oo kali addooma loo noqda oo la caabbudo ) ”. Waxuu yiri:” Oo tanna waa wax wanaagsan, maxaa xigga haddana? Waxuu yiri:” Dadku waa ilmo Aadam iyo Xawaa, waana walaalo dhanka aabaha iyo hooyaduba”. Waxuu yiri:” Tanna waa mid wanaagsan”.

Kadib waxuu Rustum yiri:” Bal ka warrama haddii aan diintiina soo galno maka laabaneysaan dhulkayaga? Waxuu Muqiirah yiri:” Haa Wallaahi, una iman mayno wax aan ganacsi ama dan kale ka ahayn dhulkiinna”. Waxuu yiri Rustum:” Tanina waa mid wanaagsan”.

Markii uu Muqiirah tegay buu Rustum uga sheekeeyay dadkii madaxda tolkiisa wanaagga Islaamka uu leeyahay iyo waxii dood isaga iyo Muqiirah dhex martay, hase ahaatee waxay ku qaabileen diidmo daran inay qaataan Islaamka. Kadib Rustum waxuu dalbaday in nin kale loosoo dira

Markaa buu Sacad waxuu soo diray nin kale si uu ula soo dooda Rustum, waxuuna ahaa ninkaasi halyeygii weynaa ee Ribciy bin Caamir bin Khaalid bin Camr oo kamid ahaa halyeeyadii Muslimiinta. ( Cumar bin Khaddaab baa gurmad ahaan ugu soo diray Muthanna bin Xaarith markuu dhulka Ciraaq masuulka ka ahaa ).

Goobtii uu Rustum fadhiisan jirey waxa lagu qurxiyey xariir, diibaaj, iyo murjaan iyo waxyaaba kaloo lamid ah, isagiina waxay u dhigeen sariir dahab ah oo ay ku qurxiyeen wiqyado iyo noocya badan oo kamid ah alaabaha quruxda, Rustumna waxuu ku fadhiistay sariirtii dahabka si uu u qaabilo waftiga kaga imanayo dhanka Muslimiinta. Ribciyi waxuu ku lebbisan yahay dhar suuf ah oo aan qurxaneyn, waa dharkii reer Xijaas lagu yaqiinnay, waxuu kaloo wataa seyf iyo waran iyo faraskiisa oo kaliya ( faras gaaban ). kamuunan suulin inuu faraskiisa saarnaa jeer uu yimid daraf kamid ah gogashii weyneed ee jidkiisa loogu goglay, ula jeedaduna waxay ahayd in Muslimiinta la indho sarcaadiyo markay dhaldhalaalkaas arkaan oo inta wax yar la siiyo ay sidaa dhulkoodii ugu laabtaan, maxaase dhacay? Ribciyi wuu ka degay faraskii oo waxyaabahii la goglay mid kamid ah ayuuba faraskiisii ku xirtay, kadibna hubkiisii ( warankii iyo seeftii ) buu lasoo galay isagoo ku jeex jeexayo katiifadihii xariirta ee ay wareen reer Furus. Faarisiintii baa ka dalbatay inuu dhigo hubka, waxuuse ugu jawaabay:” Anigu idiinma iman oo idinma soo raadsanin ee waxaan imid markaad ii yeerateen, haddaba igu daayo sideydaan ( anigoo hubkeyga sita ) ama aan iska laabto”. Rustum baa markaa yiri:” Daayo ha ii yimaadee”. Markaa buu soo galay isagoo warankii ku mud mudayo xariirtii la goglay, illaa uu kasoo gaaray golahii uu Rustum fadhiyey.

Rustum baa hadalkii billaabay oo waxuu yiri:” Maxaa idin keenay ? Waxuu Ribciyi ku jawaabay:” Waxaan u nimid inaan ka saarno ciddii doonta is addoonsiga ay addoomadu is addoonsanayaan oo aan addoonnimada u saarno Alle xaggiisa, iyo inaan ciriiriga dunida ka saarno oo aan u saarno ballarkeeda, iyo inaan ka saarno diimanka farada badan oo aan u saarno cadaaladda Islaamka, Ruuxii taa naga yeelo waan ka yeeleynaa oo waanna ka laabaneynaa, ruuxiise diida waanu la dagaallameynaa jeer ay ka fusho ballantii Alle naga qaaday? Waxuu yiri Rustum:” Oo waa maxay ballanta Alle? Waxuu yiri:” Waa inuu galayo Janno ruuxii ku dhinta dagaalka lala galay kuwa diiday diinta Islaamka ee ka hor yimid, iyo guul kuwii haray”. Waxuu yiri Rustum:” Runtii hadalkiinnu waan dhageystay ee dib manoogu dhigeysaan arrinkaan jeer aan eegno xaalku oo aad idinkuna eegtaan? Waxuu yiri Ribciy:” Haah! immisa ayaad dooneysaa (inaan dib kuugu dhigo si aad uga soo fiirsataan) maalin ama labo maalin? Waxuu yiri:” Mayee!! illaa aan u cid dirsanno dadkayagii ra’yiga u saaxiibka ahaa iyo madaxdii tolkayaga”. Waxuu yiri Ribciyi:” Nooma jideynin Rasuulkii Alle SCW inaan u sugno cadawgayaga kadib markaan la kulunno wax ka badan saddex casho, ee fiiri arrinkaaga iyo arrinka qowmkaaga, oo kala dooro mid kamid ah saddexdii (Jizyo, Islaannimada ama dagaal) markay kuu dhammaado muddada (saddexda casho ah)”. Waxuu yiri Rustum:” Oo ma seydkoodii (Muslimiinta) baad tahay? Waxuu yiri:” Maya, laakiin Muslimiintu waa sida jir qura kooda ugu hooseeya ayaana magan gelin kara kooda ugu sarreeyo”. Rustum hareeradiisa waxaa markaa isugu yimid madaxdii reer Furus ee lasocotay, markaasuu ku yiri:” Oo waligiin ma aragteen qof ka hadal qurxoon oo ka cizi iyo sharaf badan ninkan (Ribciyi) ? Waxay ku yiraahdeen:” Alleynu ka magan galnay inaad u iilato waxa kan aad u jeeddo oo aad diintaada uga tegto, oo ma waadan arkeynin dharka uu sito? Markaasuu Rustum yiri:” Hoog idinku dhacyee ha eegina dharkiisa ee fiiriyo ra’yigiisa, hadalkiisa iyo hab dhaqankiisa, sideeduna Carabtu maba daneeyaan dhar iyo cunto toona”.

Maalintii labaad ayuu Rustum soo cid dirsaday si nin kale loogu soo diro, markaa buu Sacad u diray Xudeyfah bin Muxsin oo sidii Ribciyi oo kale ula soo hadlay. Maalintii saddexaadna waxaa loo diray Muqiirah bin Shucbah oo siduu ula hadlayey ku xeel dheeraaday hadalka waqti dheer bayna wada hadlayeen oo ay wada doodayeen, waxaana kamid ahaa hadalladii dhex maray sidan:

Rustum ayaa Muqiirah ku yiri:” Miithaalka loosoo qaadan kara soo gallida aad dhulkayaga soo gasheen waa sida duqsi arkay malab oo yiri: Yaa i gaarsiiya malabkaas oo markaa heli doono 2 Dirham? Markii uu ku dhex dhacay oo uu ku maanshoobay ayuu damcay inuu ka baxo, markaasuu awoodi waayey oo misna yiri: Yaa iga saaro oo heli doona 4 Dirham? Sidoo kale miithaalkiinnu waa sida dawaco itaal daran oo ku jirta god ku yaal beer, markii uu arkay ninkii beerta lahaa itaal darrideeda buu u naxariistay oo iskaga tegay. Markii ay cayishay bay wax badan ka fasaadisay (xoolo iyo beerta iwm bay ka cuntay) Markaa buu la yimid ciidankiisii oo soo kaxaystay wiilashiisii si uu uga saaro, hase yeeshee way awoodi waysay cayil dartii markaa buu dilay, haddaba sidaa oo kale ayaad uga bixi doontaan dhulkayaga”. Kadibna caro darteed buu Rustum la sii jeestay oo cadceeddii intuu ku dhaartay buu yiri:” Berritoole baanu idin layn doonnaa”.

Waxuu Muqiirah yiri:” Waad ogaan doontaa”.

Markaasuu Rustum yiri:” Waxaan amray in la idin arrat tiro oo dhar la idiin siiyo, amiirkiinuna sidoo kale ayaan amray iyo in lasiiyo 1000 Diinnaar iyo dhar iyo gaadiid, ee innaga noqdo”. Markaasuu Muqiirah yiri:” Oo ma kadib markii aan itaal darreysiinnay boqortooyadiinnii baa oo aan weliba daciifinnay awooddiinnii? Muddo ayaanu joogi doonnaa dhulkiinna oo aan idinka qaadi doonnaa jizyo idinkoo dulleysan, waxaadna inoo noqon doontaan addooomo”. Markaa buu misna Rustum markale caro darteen la sii jeestay.

Taa ka hor intuusan dagaalku dhicin waxuu Sacad diray rag kamid ah ciidankii Muslimiinta, kuwaasoo uu u diray dhanka boqorkii Furus boqor Yazdajrid si ay xagga Alle iyo diinta Islaamka ugu yeeraan. Markay u tegeen boqorkii bay ka idin dalbadeen inay u galaan, markaasuu isagiina u idmay inay soo galaan. Boqorku waxuu ahaa mid aan akhlaaq suubban lahayn, edabtiisu aad bay yareed, tiiyooy udheereed dhallinyarannimo. Waxuu wax ka weydiiyey dharkooda kan ee ay sitaan magaciisa, kabahooda iwm ee ay siteen. Kol Alliyooy uga jawaabaan buu ku jees jeesayey oo uu wax ka sheegayey. Dadkii Madaa’in deganaa waa ay soo baxeen si ay u eegaan dadka ay boqortooyadii Furus ka fadhin weyday. Waxay arkeen rag dhar suuf ah kulebbisan iyo kabo aan indhuhu soo jiidaneyn, waxay arkeen diifta ka muuqata misna waxay eegeen waxay gaadiid ahaan u siteen oo fardo iyo awr weyti ah, waxayna is weydiinayeen su’aalo dhowr ah oo ay kamid tahay:” Sidey dadka sidan uyaal ay dhulka Furus ula wareegeen oo ay boqortooyadeenna dusheedda u soo degeen?

Markii dambe boqor Yazdajrid waxuu su’aalay raggii:” Maxaa halkan idin keenay? Ma waxaad u maleyseen markii aan dhexdayada isku mashquulnay inaad naga faa’ideysan kartaan? Nucmaan bin Muqarrin baa u jawaabay oo hadalka si fiican u dhigay, waxaana kamid ahaa kalmadahiisii sidan: ” Alle baa inoo naxariistay oo inoo soo diray Rasuul na tusiyo wanaagga oo na amaro inaan falno, oo na baro sharta (iyo asbaabteeda) nagana reebay, waxuuna nalagu ballamay ajiibidda kheyrku inuu yahay wanaag adduun iyo mid aakhiro”.

Kadib markuu ka sheekeeyey Nucmaan marxaladihii ay diinta Islaamka soo martay iyo halka ay cizi iyo sharaf maanta ka joogto, ayuu u bandhigay boqorkii inuu soo galo diinta Islaamka ama jizyo ama dagaal, waxuu ku yiri:” Waxuu Rasuulkayaga SCW na amray inaan ka billawno umadaha noosoo xiga oo aan ugu yeerno inay nala soo saftaan. Annagu waxaan idinkugu yeereynaa diintayada, waana diinta Islaamka, waxay wanaajisaa kii wanaagsan (oo ay wanaag iyo sharaf u siyaadisaa), waxayna dulleysaa midkastoo dulli ah. Haddii aad diiddaan, arrin tan ugu sharbadan oo ka fudud tan ugu dambeeyso (dagaalka) ee ugu sharta badan waa jizyo, haddii aad diiddaanna waa dagaal. Haddii aad yeeshaan diintayada, waxaan idiin reebeynaa kitaabka Allaah oo aan idiinku qumineynaa inaad isku xukuntaad axkaamtiisa, idinka howlahiinna iyo dhulkiinnuba waanu idinka laabaneynaa. Haddii aad na siisaan jizyo, waanu idinka guddoomeynaa waana idin illaalineynaa, haddiisa aad diiddaan waa dagaal”.

Waxuu yiri boqorkii:” Yazdajrid ha idin laayo.. Waxaanan garaneynin dhul ay umadi ku sugantahay oo ka xun kana daran weji xumi oo weliba ka tiro yar idinka. Waxaanu idiin wakiilan jirnay qaryooyinka Dawaxiga (Carabtii tabaca u ahayd) oo iyaga ayaa inooga kiin filnaa, mana aydan damaacin jirin inaad kusoo duushaan dhulka Furus”. Waxuu kula hadlay erayo kul kulul, markaa bay raggii wada aamuseen. Muqiirah bin Shucbah baa istaagay oo hadlay, waxuuna yiri:” Boqoryahoow! kuwa kani waa madaxdii Carabta iyo kuwii hor kacayey, waa ashraaf wayna ka xishoodaan dadka ashraafta ah, kuwa sharafta leh ayunbaana sharfo kuwa kalee sharafta leh, xaquuqda kuwa sharafta lehna waxaa yaqaan oo kaliya kuwa iyagu sharafta leh. Ammaa xaaladda xun ee aad nagu sheegtay, maba jirin cid naga xaalad xumeed, ammaa gaajadayaduna waxaanba cuni jirnay (waxyaaba aan cunno ahayn bahallada, caleemaha dhirta iwm) waxaanna u arki jirnay inay tahay cunto, ammaa deegaankayaguna waa uun iska dhulka guudkiisa, dharkayaguna waxuu ahaa waxa aan ka sameysanno dhogorta geela iyo ariga. Diintayadu waxay ahayd inuu barkayo barka kale laayo oo darkeen darka kale ku xadgudbo, waxaaba dhici jirtay inuu midkayo gabadhiisu noolasha ku aaso isagoo nacayo inay raashiinkiisa wax ka cunto. Xaalkayagu waxuu ahaa kahor sida aan maantadan ku sugannahay sida aan kuu sheegay, markaa buu Alle inoo soo diray nin macruuf ah oo aan garaneyno nasabkiisa, wajigiisa iyo dhalashadiisa, dhulkiisu waa kan ugu kheyr badan dhulkayaga, xasabkiisu waa kan ugu kheyr badan axsaabtayada, aqalkiisuna waa kan ugu kheyr badan aqallayada, tolkiisu waa kan ugu kheyr badan tolkayaga, isaguna naf ahaan waa kaayaga inoogu kheyr badan. Waxuu inoogu yeeray arrinka (diinta) markaasay cidina ajiibin. Qofkii ugu horreeyay ee raaco waxuu ahaa khaliifadii isaga ka dambeeyey (Abuu Bakar). Waxaanu niri been baad sheegtay, suu yiri run baad sheegtay, saan wax ka naaqusinnay markaasuu isaguna u siyaadiyey. Markaa buu Alle markii dambe quluubtayada ku tuuray rumeynta iyo raaciddiisa, markaa buu dhex qaaday annaga iyo Rabbiga uunka dhexdeenna, wax waliboo uu nagu yiraahdo, waa qowlka Allaah, amarkastoo uu na amrana waa amarka Allaah. Waxuu inagu yiri (Nebigu SCW):” Rabbigiin waxuu idin leeyahay: Anigu waxaan ahay keli, mana jiraan wax la ila wadaajiyo, waxaan jiray goor aysan waxbo jirin, shey kastaana wuu hallaagsami doonaa marka laga reebo wejigeyga. Aniga ayaa abuuray shey walibo, oo xaggeyga ayay u ahaan doonaa wax walibo, raxmaddeydu way idin haleeshay, waxaana idiin soo diray ninka kan (Muxammed SCW) si uu idiin tusiyo jidkii aan idinkaga badbaadin lahaa geeri dabadeed cadaabteyda oo aan idinkugu xalaaleeyo daarteyda Daarus- Salaam.

Haddaba waxaanu qireynaa inuu (Muxammed SCW) la yimid xaq uuna kala yimid xaq agtiis, waxuuna yiri:” Ruuxii idinku raaco arrinkan (diinta Islaamka) waxuu leeyahay waxii aad idinku leedihiin, waxaana dushiisa ahaaday waxa dushiina ah, kiise diida u bandhigo jizyo , (hadduu yeelana) ka ilaaliyo waxa aad nafahiina ka ilaalisaan, hadday diidaan la dagaallama waa aniga kan dhexdiina xakamka ka ah ee kala xukmin, kiinnii idinka mid ah ee la dilo waxaan gelin doonaa Jannadeyda, kiinnii haraana waxaan ka yeeli doonaa ciribtiisa guul”.

Waxuu yiri Muqiirah isagoo boqorka dhankiisa markaa hadalka u tuurayo:” Haddaba dooro jizyo adigoo dulleysan, ama haddii aad doonto seef ama Islaam oo bad baadi naftaada?

Waxuu yiri Yazdajrid:” War ma waxaan oo kale baad iila imanaysaa? Waxuu yiri Muqiirah:” Ma ahan wax aan ula tegay qof aan ila hadlin, haddii uu qof kale oo aan adiga ahayn ila hadli lahaana waan ula tegi lahaa”. Markaa buu Yazdajrid yiri:” Haddaysan dembi ahaan lahayn in ergada la dilo, waan idin layn lahaa, wax agteyda idiin yaalla majirto”.

Waxuu markaa Yazdajrid la hadlay dadkiisii oo uu ka codsaday inay u keenaan juuni weyn si uu carro ugu buuxiyo oo uu qoorta u saaro shariifka kuwan (muslimiinta ah).

Markii loo keenay carradii buu yiri:” Waa kuma shariifkiinna? Markaa bay qowmkii wada aamuseen. Caasim bin Camr baa markaa yiri isagoo doonayo inuu qowmka furto oo uu isagu carrada qaado:” Waa aniga shariifkooda, aniga ayaa ah ugaaska kuwan ee ii saari carrada”. Waxuu yiri Yazdajrid:” Oo masidaa baa? Waxay yiraahdeen:” Haah!.

Markaa buu Yazdajrid dusha u saariyey dabeetana uu amray inuu la dhaqaaqo. Caasim raggiisii kale waalaga hor diray oo intuu carradii qaaday buu la socday isagoo dhex qaadaya deyrarkii Madaa’in jeer uu u tegay rakuubkiisii markaa buuna dul saartay oo uu dhaqaaqay.

Asxaabtiisii kale iyana way soo dhaqaaqeen, Caasim ayaana kaga hor maray amiirka ciidanka. Markii uu Caasim marayey meesha la yiraahdo Baabu Qudeys oo ah dacal kamid ah Qaadisiyah buu yiri:” Ugu bishaareeyo amiirka lib iyo guul, waanu ka guuleysan doonnaa Inshaa-Allaah”. Kadib wuu sii socday waxuuna galay qolkiisii oo uu carradii dhigtay, markaasuu soo laabtay oo uu utegay Sacad oo uu arrintii uga warramay.

Saxaabadu aad bay ugu farxeen arrintaas waxayna u fasirteen inay tahay qaadashada dhulka Furus oo dhan, maalinba maalinta ka dambeysaana sharaf iyo kor ahaansho iyo cissi ayaa u sii siyaadaysay, halka Majuustu dulli iyo dib udhac iyo dar xumo hor leh iyo wahni iyo dhaciifnimo ay la kulmayeen.

Rustum waa uu dhaqaaqay waxuuna aaday boqorkii si uu usoo weydiiyo waxii uu kala kulmay Muslimiinta iyo weliba ra’yigoodii, markaa buu Yazdajridna si cad ugu bayaaniyey xadrigii jawaabahoodii iyo hadalladoodii faseexadda iyo caqligoodii saafiga ahaa. Waxuu misna u sheegay inay aaminsanyahiin guul goor iyo goob welibo. Guud ahaan Yazdajrid waxuu Rustum u dul maray waxii isaga iyo raggii Muslimiinta ee ergada ahaa dhex maray oo hadal iyo dood ahaa, waxuuna xusay falkiisii doqonnimada ahaa ee uu carrada madaxa u saaray Caasim bin Camr, taasoo uu isagu u arkayey inuu wax haggaajiyey hase ahaatee ku noqotay: maxaa iigeeyey? Rustum markii uu dhageystay hadalkii Yazdajrid iyo carradii uu Caasim madaxa u saariyey buu yiri:” Ninku (Caasim) ma uusan ahayn axmaq mana ahayd shariifkooda, waxuu doonayey oo kaliya inuu qowmkiisa furto oo uu isagu carradu qaado, hase ahaatee Illaah baan ku dhaartaye waxay la tegeen furayaashii dhulkayaga”. Rustum waxuu ahaa Munjim yacni mid xiddigaha wax ka sheego sidaynu soo xusnayba. Markaa buu diray nin kamid ah Majuusta si uu uga daba tego haddii uu gaarana uu kasoo celiyo carrada haddii uu gaari waayo oo carradu ay utegto amiirka ciidanka Muslimiinta ee Sacad bin Abii Waqaas taa waxay lamid tahay buu yiri inay dhulkayaga nooga adkaadeen. Ninkii wuu daba galay isagoo doonayo inuu carradu soo celiyo hase ahaatee waa goorma? Waa goor ay carradii u tegtay Sacad bin Abii Waqaas Muslimiintiina ay ku farxeen, Faarisiintiina aad bay uga xumaadeen arrintaas oo waxay caroodeen caro kulul, ra’yigii boqorkuna waxay ku tilmaameen mid iska waalan.

Aanu u weecanno dagaalkii iyo siduu ku billawday.

Dhacdadan Qaadisiyah waxay ahayd dhacdo tii ugu weyneyd ee ka dhacdo dhulka Ciraaq, waxayna ahayd mid aad iyo aad u cajiib badan. Markiina ay labadii qolo is wajaheen, waxay ahayd goor uu Sacad xanuunsanaa oo ay ku dhacday xanuun la yiraahdo Carqun-Nassaa, waxuuna awoodi waayey fuulidda gaadiidka (rakuubka ama faraska), markaa baa loo dhisay qasri oo loo goglay labada dhinacna loo geliyey barkimo si uu halkaa kala socda dagaalka. Dagaal gelinta ciidanka waxuu u xilsaaray Khaalid bin Curfudhah, ciidanka midigta waxuu madax uga dhigay Jariir bin C/llaahi Al Bujali, ciidanka bidixdana waxuu u dhiibay Qeys bin Makshuux. Qeys bin Makshuux, Muqiirah bin Shucbah, Al qacqaac bin Camr iyo Haashim bin Cutbah iyo rag kaloo halyeeyo ah waxay ahaayeen raggii ku yimid gurmadka ee uu soo diray Abuu Cubeydah bin Al Jarraax kadib markuu dhacay dagaalkii Yarmuuk. Ciidanka Muslimiintu waxaa lagu sheegaa inay ahaayeen 30 000 ama 32 000 ama 36 000, sidaa si aan ahayna waala sheegaa, calanka ciidanka waxaa dalbaday inuu qaado Cabdullaahi bin Ummu Maktuum, kadib markii laga fursan wayey ayaa loo dhiibay. Sacad dadkii buu tujiyey salaaddii duhur oo uu waaniyey oo ku booriyey (dagaalka) waxuuna akhriyey qowlka Alle Sarreeye:” Dhab ahaan baanu ugu qornay Zabuur kadib sheegid (horey loogu sheegay looxul maxfuudka) in dhulku ay dhaxli doonaan addoomayda suubban”. Suuratul Ambiyaa, aayadda 105aad. Raggii qurraada ahaa ee ciidanka la socdayna waxay akhrinayeen aayadahii jihaadka. Kadib Sacad wuu takbiirsaday 4 jeer , takbiirtii afraad kadib bay ahayd markii ay weerarka kulul qaadeen ciidamadii Muslimiinta, markaana waxaa dhex maray dagaal kulul oo soconayey illaa habeenkii, meydka labada dhinacna waxuu ahaa mid aad u batay. markaa bay kala hoydeen, subixii dambana way isku soo jarmaadeen oo dagaalkii ayaa weji cusub ku bilawday sidii lamid ah buuna usocday meytida labada dhinacna waxay ahayd sidii hore oo kale, markii ay subixii saddexaad isku soo jarmaadeen buu dagaalkii halkiisii kasii socday weji kii hore lamid ah buuna ku socday jeer gabbalkii dhacay markaa bayna kala hoydeen, habeenkaasina waxuu ahaa habeenkii loogu magac daray Leylatu Al Hariir. Markii la waabariistay subaxii afraad, waxay ahayd markii ugu darneyd ee uu sida kulul u dhacay dagaalka. Majuustu waxay maalintaas lasoo dagaal tegeen maroodiyaal sidaynu soo xusnay ay ku argagax gelinayeen fardaha Muslimiinta, oo mar waliba laf dhuun gashay bay ku ahaayeen, waana taas tii u diidday weerarro badan oo ay ku qaadeen fardooleydii Muslimiinta si ay si munaasib ah u dhex galaan ciidanka Faarisiinta. Qaar kamid ah halyeeyadii Muslimiinta baa markaa laysay maroodiyaashii iyo waxii saarnaaba iyagoo markii hore indhaha gamuunno uga riday. Rag kamid ah Jamaacadii Muslimiinta baa maalintaas dhigay wacdaro aad loola yaabay, waxaana raggaasi kamid ahaa Dhuleyxah bin Khuweylid, Al qacqaac bin Camr, Camr bin Macdiyakrib, Jariir bin C/llaahi Al Bujali, Diraar bin Al Khaddaab iyo Khaalid bin Carfudhah iyo qeyrkood. Markii la gaaray bartamahii maalintan afraad (waa maalinta loo yaqaan Yowmu Qaadisiyah) oo ahayd maalin Isniin ah bishii Muxarram ee sanadkan yacni 14kii Hijriyada sida uu xusay Iimam Seyf bin Cumar baa waxaa kacday dabayl qaadday teendhooyinkii Furus oo tuurtay sariirtii Rustum, markaa buu Rustum cararay oo uu fuulay bakhashiisii dabeetana jaanta rogtay Muslimiintii baa inta ka daba tegay dishay, waxaa dilay Rustum nin kamid ah Muslimiinta oo la oran jiray Hilaal bin Calqamah, waran buu intuu ku tuuray lugta kala helay, markaasuu utegay oo uu madaxa ka gooyey. Waxaa kaloo la sheegaa markuu dhawaacu soo gaaray buu dalbaday in loogu yeero nin halyeeyada Muslimiinta kamid ah si uu u dilo intuu nin ciidanka kamid ah dili lahaa, waxuuna taas u fisirtay inay isagu sharaf utahay, markaa baa loogu yeeray Al qacqaac bin Camr oo kurka ka jaray. Jaalinuus isaguu wuu cararay oo firxadkii buu dhexda ka galay. Jabkii kuwii cararay bay Muslimiintu raacdeysanayeen oo ay laynayeen jeer ay cadawgii degeen meel oo ay cabbeen khamri markaa bay seexdeen kadib markay sakraameen. Muslimiintii baa goor aysan ka filaneynin soo kadiyeen oo wada laayeen, Jaalinuusna waala dilay waxaana dilay Zuhrah bin Xawiyah At Tamiimi. Markay jabeen oo ay Muslimiintii ka daba tegeen , waxay ka laayeen 30 000, macrikada dhexdeedana waxay uga laayeen 10 000, maalmahii ka horeyeyna intaas in kudhaw bay ka laayeen. Dhanka Muslimiintuna waxaa ka shahiiday maalintaas iyo maalmahii ka horreeyayba 2500 Raximahumul-Laah.

Taa ka hor dagaalka intuu socday waa qolka Sacad kula jiray nin maxbuus ahaa oo Muslimiinta kamid ah, ninkaasi waxuu ahaa Abuu Mixjan At-Thaqafi (Camr ama Maalik bin Xabiib bin Cumeyr bin Cowf) oo markaa khamri cabbay, markaa baa la xabbisay laguna xiray qasrigii Sacad, markaa ka horna 7 jeer baa laga oofiyey xadka cabbida khamriga. Abuu Mixjan waxuu kamid ahaa raggii caanka ahaa ee kamidka ahaa geesiyaashii Muslimiinta.

Markii uu dagaalku kululaaday baa waxuu Abuu Mijxan arkay fardooleydii cadawga oo ku gaaf wareegayo halka qasrigii uu ku sugnaa amiirkii ciidanka ee Sacad bin Abii Waqaas, markaa buu is ciil baday Abaa Mijxan bal haddii uusan xirnaan lahyn fiicnaan lahaydaa. Halkaas waxuu ka tiriyey tixgabay uu ku tilmaamayo halka uu reerkiisii iyo hantidiisii uga soo tegay isagoo jecel inuu jidka Alle ku jihaado iyo weliba isagoo muujinayo inay murug ugu filantahay maanta isagoo arkayo fardahii cadawga oo gaaf wareegayo qasrigii amiirka ciidamada Muslimiinta iyo isagii oo taa oo idil ka xiran oo aanan waxba ka awoodi karin.

Waxuu Abuu Mixjan la hadlay Zubraa oo ahayd Ummu walad u joogtay Sacad bin Abii Waqaas, waxuu ka dalbaday in ay sii deyso oo ay xarigga ka furto oo ayna u keento faraskii Sacad si uu ugu dagaal galo, waa haddii uu gelinka dambe isagoo bed qabo kasoo laabtee waxuu ballan kula galay oo uu ugu dhaartay inuu halkiisa kusoo laaban doono oo markaa ay xiri doonto. Zubraa way deysay markaa buu faraskii fuulay oo uu dagaallamay dagaal daran, Sacadna wuxuu arkayey faraskiisa iyo nin dul saaran, waxuu ninka dul saarani ula muuqanayay inuu yahay Abuu Mixjan Al Thaqafi, haddana waxaa taas ka shaki tireysay inuu qasriga ku xirnaa oo uu maxbuus ahaa.

Goortaa iyada ah ee uu dagaalku kululi dhacayey bay haweeneydii Sacad Salmaa bint Khasfa tii uu horey kaga geeriyooday Muthanna bin Xaaritha ay aragtay fardahii cadawga oo qasriga kusoo dhawaaday Sacadna uu markaa xanuunsanaa oo uusan dagaalku kujirin. Markaa bay Salmaa afka furay kadib markay aragtay qaar kamid ah fardooleydii Muslimiintu oo cararay oo ay ku dhawaaqday:” Waa Muthanniyaaah!! Muthanna beelay maantuye!”. Sacad bin Abii Waqaas baa markaa inta ka carooday dharbaaxo wejiga ku dhuftay, Salma bint Khasfa waxay runtii dhibsatay Sacad oo qasriga fadhiyo oo aan dagaalku ku jirin xilli Muslimiinta ay dhowr goor sibibaxdeen, waxay Muthanna ugu barooratay in ay maseyr geliso Sacad oo uu markaa kaco oo uu dagaalku galo, waxayna xasuusineysay geesinnimadii Muthanna iyo inuusan ahayn nin u seexan jirey cadawga, hase ahaate dar kale Sacad waxuu ahaa geesi aan gorada laalaadinin, oo ganidda gamuunka tab heer sare ah u yaqiinay, sidaa si lamid ahina waxuuba lahaa cududdaar oo waa usuuroobi weyday inuu dagaallamo, hase ahaatee goobjoog buu ahaa dagaalka xaaladdiisa oo idilna wuu lasocday, waxaana u diiday inuu ka qaybqaato xanuunkii markaa hayey oo uu la fuuli waayey faraska ama gaadiidka.

Markii uu Abuu Mixjan kasoo laabtay dagaalka gelinka dambe buu halkiisii kusoo laabtay oo ballantii oofiyey, markaa bay haweeneydii Sacadna halkii ku xirtay. Markii uu dagaalku dhammaaday baa Sacad loo sheegay arrintii Abaa Mixjan markaa buu isagiina iska sii daayey oo wuu cafiyey. Wuxuuna u ballan qaaday inuu mar dambe jeedali doonin. Asaguna Abuu Muxjin wuxuu ballan ku galay inuusan dib dambe u cabbin khamri.

Sacad bin Abii Waqaas ciidankii ayuu usoo baxay kadib markuu dagaalka dhammaaday oo u cududdaartay iyana way u cududdaareen.

Muslimiintii waxay Qaadisiyah ka qaniimeysteen maal tiro badan iyo hub aan lasoo koobi karin kadib markay ka guuleysteen cadawgoodii, waxuu ahaa maal aysan horey mid lamid ah u helin ciidamadii Muslimiinta ee geyigaas ku sungaa ama guud ahaan kuwii xitaa dhanka Shaam joogay. Kadib markii qaniimadii laga saaray khumuskii buu Sacad u qeybiyey Muslimiinta, khumuskiina u diray dhankii amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab.

Halkaas bay ku jabeen cadawgii Islaamka ee majuustii Furus, waana halkii lagu boqno gooyey boqortooyadiidii boqolleyda ahayd oo muddo dunida ka talin jirtay. Waxaa guuleystay xisbigii Raxmaanka iyo ciidamaddii Allaah.

Waa goor warka Qaadisiyah Muslimiintu meel kasta oy joogaanba ay dhowrayaan, Cumar bin Al Khaddaab laftiisu waqti harsiimo ah oo hanfi kulul dhacaya buu maalmahaas caadeystay inuu khabarka Qaadisiyah doon doono oo uu waddada Ciraaq afka saari jirey bal si uu ula kulmo qof ka yimid dhanka Ciraaq oo uu wax ka weydiiyo Qaadisiyah. Goor uu Cumar waddada Ciraaq hayo isagoo doon doonayo warka Qaadisiyah baa waxuu arkay qof meel fog kasoo muuqanayo, markaa buu ka hor tegay oo wax ka weydiiyey. Ninkii waxuu u sheegay in Qaadisiya la furtay oo ay Muslimiintii ku guuleysteen ayna ka qaniimeysteen maal iyo hub tiro badan, oo Majuustiina ay ku jabeen. Cumar bin Khaddaab ninkii buu la sheekeysanayey iyadoo ninku uu saarnaa daabaddiisa (awrka ama faraska uu sitay) halka Cumarna uu lugeynayey. Markii magaalladii Madiina ay soo galeen baa ninkii waxuu arkay dadkii oo Cumar kala hadlayo arrimahii dowladda arrimahii bulshada, markaa buu ninku gartay qofka uu lasocday inuu yahay amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, markaa buu ku yiri:” Oo maxaad iigu sheegi weyday amiirkii Mu’miniintow!! inaad tahayd Cumar? Waxuu Cumar yiri:” Wax dhiba malaha walaalkayow”.

Sacad bin Abii Waqaas waxuu warqad u diray dhankii Madiina iyo amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, waxayna warqaddaasi caddeyneysay guushii Muslimiinta iyo tiradii ka shahiiday iyo weliba inta cadawga laga laayey. Waxuu Sacad warqaddaasi u dhiibay Cumeylah Al Fazaariyu. Cumar bin Al Khaddaab warqaddii guusha iyo bishaarada buu ka dul akhriyey mimbarka dushiisa, waxuuna saxaabadii u sheegay dadkii caanka ahaa ee kaga shahiiday Qaadisiyah oo uu u horeeyay Sacad bin Cubeyd Al Qaari. Khumuskii qaniimadana waxuu gaaray magaalladii Madiina.

Dhacdooyin Kale

Sanadkan dhexdiisa buu Cumar ku kulmiyey dadkii reer Madiina in la tukado salaadda Taraawixda bisha Ramadaan, isagoo amray inuu dadka tujiyo Ubay bin Kacab, waxayna ahayd markaa bishii Ramadaan ee sanadkan, goballadiina warqado ayuu u diray isagoo amrayo in la oogo salaadda Taraawiixda bisha Ramadaan laguna tukado jamaaco.

Isla sanadkan buu diray Cumar bin Khaddaab Cutbah bin Qazwaan isagoo masuul uga dhigayo magaallada Basrah isagoo amray inuu dego halkaas oo ciidamada Muslimiintuna ay la dagaan xarunna uu kadhigto.

Seyf bin Cumar waxuu qabaa inay markaa ahayd sanadkii 16aad ee hijriyada Cutbana uu ka baxay magaallada Madaa’in oo uu ka aaday Basrah kadib markii la furtay Madaa’in waqtigaa iyada ahina ay ahayd bishii Rabiicul Awal ama Rabiicuth-Thaani ee sanadkii 16aad ee Hijriyada. Qaar kalena waxay qabaan in ay ahayd sanadkan markii uu Cumar diray Cutbah bin Qazwaan. Wallaahu aclam.

Abuu Mikhnaf waxuu soo weriyey in Cutbah bin Qazwaan loo diray Basra isagoo wato 300 iyo dhowr ciidan ah, markaa buu xaggeedii ku dhaqaaqay isagoo sii maraya acraabtii dhexda deganeyd illaa ay ciidamadiisii noqdeen 500, waxay markaa amintu ahayd buu yiri bishii Rabiicul Awal ee sanadkan, waxaana markaa dhulka Basra loo yaqaanay Ardul Hindi. Waxay ahayd dhul leh dhagaxyo cad cad. Markii uu tegay Cutbah halkaa baa waxaa kusoo baxay Saaxibu Furaat (ninkii halkaasi masuulka ka ahaa) oo hoggaaminaya 4000 oo ciidan ah, markaa bay is heleen, durtaba wuu ka adkaaday ninkii ciidamadaa sitayna wuu soo qafaashay, markaa buu Cutbah kadhex istaagay dadkii isagoo u khudbeeyay xasuusiyeyna fadaa’isha iyo wanaagga islaamka iyo in lagu dhego.

Waxa lasoo wariyaa in uu Cumar warqad u qoray Cutbah bin Qazwaan markuu u dirayey Basra, waxuuna ku yiri:” Cutboow! waxaan kuu wakiishay dhulka Ardul Hindi (Basra) , waana xawma kamid ah xowmoyinka cadawga, waxaana rajeynayaa inuu Alle kaaga fillaado waxa hareeraheeda ah oo uu kaaga gargaaro dusheeda. Waxaan warqad u qoray Al Calaa bin Xadrami si uu kuugu soo gurmado Curfajah bin Harthama. Markuu kuu yimaado soo dhaweey oo la tasho, uguna yeer (cadawga) xagga Alle, kii kaa yeelana ka yeel kii diidana ka qaad jizyo, hadday taa dhicinna waa seyf (yacni la dagaallan). Ugu Cabso Allaah wixii laguu wakiishay, waxaana kaaga digayaa inay naftaadu kuu saarto isla weyni oo markaa aakhiradaadu ay kaa fasahaadiso. Waxaad runtii la saaxiibtay Rasuulkii Alle SCW markaa baad cizoowday dullinnimo dabadeed, oo aad quwad yeelatay itaal darri dabadeed jeer aad markii dambe noqotay amiir musallad ah iyo boqor la adeeco. Wax baad oran, markaa baalagu dhageysan, amar baadna bixin markaa baa la yeeli oo lagu adeeci”. Way dheereed warqaddii dardaaranka iyo wilaayada ee uu Cumar u diray Cutbah Illaahay haka raalli noqdee, balse intaasi waxay ahayd nas kamid ah.

Cutbah waxuu tegay Basra oo uu degay. Bishii Rajab ama Shacbaan ee sanadkan ayuuna furtay Ublah. Markii uu geeriyooday Cutbah, waxuu Cumar masuul uga dhigay magaalladii Basra Al Muqiirah bin Shucbah.

Sanadkan dhexdiisa ayuu Cumar bin Al Khaddaab jeedalay wiilkiisii Cubeydillaah iyo jameeca kale oo uu ka oofinayey xadka cabbidda khamriga. Abuu Mixjan Al Thaqafi iyo Rabiica bin Umayah bin Khalaf ayaa kamid ahaa iyana dadkii xadka cabbidda khamriga laga oofiyey sanadkan. Waxaa kaloo la sheegaa in sanadkii hore laga oofiyey Abuu Mixjan ee aanan sanadkan laga oofin.

Dhanka kale xajka waxaa dadka xajiyey sanadkan Cumar bin Al Khaddaab. Masuuliyiintiisii goballada waxay ahaayeen sidan:

Shaam waxaa masuul uga ahaa Abuu Cubeydah, Ciraaqna Sacad bin Abii Waqaas, Baxreen waxaa masuul uga ahaa Cuthmaan bin Abil Caas ama Al Calaa bin Xadrami, Cummaanna waxaa masuul uga ahaa Xudeyfah bin Muxsin.

SANADKII 15AAD

Maadama aanan sanadkii hore ku xusin wax dhacdooyin ah oo ka dhacay dhulka Shaam, baan door bidnay inaan hadda ku hor marno dhanka Shaam. Waana in ay culimo badan badi ku sheegeen dhacdooyinkan aan immika soo min guurineyno ama aan xusayno inay dhaceen sanadkan 15aad ee Hijriyada, waana sida aan inaguna ku raacnay maadama ay jamhuurkoodu qabaan inay dhaceen sanadkii 15aad.

Dhacdadii Maraj Al Ruum

Sanadkan bay dhacday dhacdadani sida uu Ibnu jariir xusay. Waxay sababteedu ahayd kadib markii ay Abuu Cubeydah iyo Khaalid kasoo laabteen Fixil bay u qasdeen dhanka Ximsa iyagoo fulinayo amarkii amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, waqtigaasina waxuu ahaa waqti qabooba ah, markaa baa Abaa Cubeyda waxaa u muuqatay inuu aado Maraj Ar-Ruum. Boqor Hiriqal baa waxuu soo diray ciidama Ruumaan ah oo uu madax uga soo dhigay Towdar. Waxuu Towdar ciidamadiisii dejiyey galbeedka Dimishiq, markaana waxay ahayd waqti qabooba ah, waana markii Abuu Cubeyda ay u muuqatay in uu aado Maraj Ar-Ruum. Misna waxaa kaloo uu Hiriqal soo diray ciidan kale oo culus oo uu madax uga soo dhigay nin la oran jiray Shannas. Ciidamadii Shannas waxay dul degeen Abuu Cubeydah oo ay kala dhex galeen isaga iyo ciidamadii Towdar, markaa buuna Towdar u dhaqaaqay dhanka Dimishiq si uu uga saaro Yaziid bin Abii Sufyaan. Khaalid bin Waliid baa daba kacay raadkii Towdar, Yaziidna markuu ka war helay inuu Towdar xaggiisa kusoo wajahanyahay buu magaalladii kasoo baxay isaga iyo ciidankiisii, waxayna is heleen Towdar, halkaa waxaa ku dhex maray dagaal labadii qolo ciidankii Yaziid iyo kuwii Towdar. Dagaalku wuu socday waxuuna ahaa dagaal kulul, Yaziidna horey ayuu ka dagaallamayey goor uu dagaalkii socday buuna Khaalid yimid isagoo gadaal ka laynayey ciidamadii Towdar ee uu markii horeba ku raad joogay. Halkaa buu Khaalid ku dilay Towdar ciidamadiisi si daran u laayey, waxaana yaraa intii ka bad baadday. Muslimiintii waxay halkaa kaga qaniimeysteen Ruumaankii maal tiro badan, kadib markii la qeybiyey buuna Yaziid magaalladiisii Dimishiq ku laabtay, Khaalidna dhankii Abii Cubeydah buu u boqaallay.

Waxuu Khaalid u tegay goor Abuu Cubeydah iyo Shannas uu dagaal kulul dhex maray, halkaasoo goobta Maraj Ar- Ruum uu Abuu Cubeydah ku dilay Shannas kana laayey maqtala badan ciidamaduu watay, heer maydkoodii uu dhulka camiray. Firxadkii kuwii jabay buu Abuu Cubeydah eryanayey illaa ay galeen magaalladii Ximsa. Markaa buu go’doomin ku qabtay.

Furashadii Koowaad ee Ximis

Markii uu Abuu Cubeydah gaaray magaalladii Ximsa siduu u eryanayey kuwii jabay buu dul degay oo uu go’doomin ku qabtay, Khaalidna wuu ka daba yimid oo go’doomintii buu wax ka qabtay. Waxay ku qabteen xisaar aad u daran, waqtigaana waxuu ahaa waqti qabooba ah, dadkii baladkuna way sabreen iyagoo ku rajo weynaa inay (Muslimiintu) ka laaban doonaan waqtiga uu qaboowgu darraado. Saxaabadii oo iyagu ka sabar iyo adkeysi badnaa dadka baladka ayaa waxay muujiyeen sabar aad u sarreyo, halka Ruumaanku gommaduhu daldallaciyey qaboowgii jiray iyagoo weliba sitay quf lugaha ay qabowga kaga asturtaan, haddana dhanka kale saxaabadu iyagu waxay wateen oo qura kabahooda oo wax kale kumaysan sidan lugaha, sidooy tahayna wax daldallaac ama wax lamid ah makasoo gaarin qaboowgii jirey, waxayna muujiyeen adkeysi badan. Markii uu waqtigii qaboobaha dhammaaday bay Muslimiintii sii adkeeyeen go’doomintii ay Ximsa ku hayeen, markaa bay odayaashii reer Ximsa u bandhigeen dadkoodii inay la heshiiyaan Muslimiinta hase ahaatee way diideen, waxayna yiraahdeen:” Ma waxaan la heshiinnaa iyadoo boqortooyadii ay inoo dhow dahay? Waxaa la yiraahdaa Muslimiintii baa maalin maalmaha kamid ah takbiirsadeen mar qura takbiir ay magaalladii la gilgilatay oo qaar kamid ah derbiyadiina ay daldallaaceen, markaa bay misna markale takbiirsadeen takbiir ay guryaha qaar kamid ah la dumeen. Markaa bay caamaddoodii u tegeen culimadoodii iyo madaxdooda oo ay ku yiraahdeen:” Ma waydaan u jeedin waxa inagu dul degay iyo waxa aan ku sugannahay, ma waydaan qowmku heshiis nooga gunteynin? Markaa bay Muslimiintii kula heshiiyeen heshiis lamid ah kii ay la galeen reer Dimishiq, waxuuna Abuu Cubeydah ku waajibiyey inay bixiyaan jizyo qoor kasto hodan iyo faqiirba oo ay ku hoos noolaadaan dowladda Islaamka. Intaa kadibna khumuskii qaniimada iyo bishaaradii ayuu Abuu Cubeydah u diray dhankii amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab isagoo horey ugu sii dhiibay C/llaahi bin Mascuud Al Hudali, isagiina Abuu Cubeydah waxuu degay magaalladii Ximsa oo uu markii hore dhankeeda kusoo wajahnaa. Waxaa markaa lasocday ciidan culus oo ay ku jireen rag halyeeyadii Islaamka ah oo ay kamid ahaayeen Bilaal bin Rabaax iyo Al Miqdaad bin Camr. Kadib Abuu Cubeydah waxuu warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab taasoo uu ku ogeysiinayo in Hiriqal uu gooyey biyahii Jaziiradda oo uu marna soo baxo marna uu dhakado. Waxaa timid warqaddii jawaabta ee Cumar bin Khaddaab, taasoo uu ku amrayo inuu Abuu Cubeydah dego magaallada Ximsa oo uu xarun ka dhigta.

Dhacdadii Qinnasriin

Markii uu furtay Abuu Cubeydah magaalladii Ximsa ayuu Khaalid bin Waliid u diray dhankii Qinnasriin. Markii uu Khaalid yimid Qinnasriin baa waxaa kusoo baxay dadkeedii Ruumaankii iyo Carabtii Nasaareyda, waxaana dhex maray iyaga iyo Khaalid dagaal aad u daran, waxuuna ka laayey khalqi badan.

Ammaa Ruumaankii halkaa ahaa wuu laayey, amiirkoodii Meytaas-na wuu dilay. Carabtii Nasaareyduna iyagu way cududdaarteen in dagaalkan uusan markii hore ahayn ra’yigooda, markaa buu Khaalid ka yeelay oo iska daayey, kadib waxuu galay baladkii oo markaa ay dadkeedi ku aruureen qalcadaha, markaa buu u yeeray inay usoo dagaan, kadibna wuu furtay Khaalid dhulkaas

Cumar bin Khaddaab markay gaartay sancadii Khaalid bin Waliid ee dhacdadan buu yiri:” Allaha u naxariisto Abuu Bakar waxuu ahaa mid ragga iiga ogaal badan, Illaah baan ku dhaartaye ugamaanan cazilin Khaalid raayadda (masuuliyadda Shaam) waxaan ka ahayn in aan ka yaabay inay isagu dadka tala saartaan”.

Guuriddii Boqorkii Ruumaaanka Ee Hiraqal

Sanadkan dhexdiisa ayaa boqorkii Hiriqal looga adkaaday dhulkii Shaam oo uu guud ahaan ka guuray, isagoo u guuray dhulka Ruum. Sidaa waxaa xusay Ibnu Jariir, Maxamed bin Isxaaq iyo culimo kale, Seyf bin Cumarse waxuu yiri:” Waxay ahayd markaa sanadkii 16aad ee Hijriyada.

Annagoo tixraaceyna qowlka Jamhuurka oo ay badi qabaan Culamaayi Siirah ayaan raaceynaa qowlka Ibnu jariir iyo Ibnu Isxaaq.

Waxay ahayd in Boqorkii Ruum ee Hiriqal mar waliboo uu xaj ahaan u yimaado dhulka Beytul Maqdis uu ku oran jiray markuu ka tegayo:” Sallaamun Caleyka Suuriyaay!! salaan sagootin, waaan kuusoo laaban doonaa”.

Markii uu sanadkan goostay safarka iyo inuu ka baxo dhulka Shaam oo uu marka hore u gaaray goob la yiraahdo Ruhaa buu ehelkiisii ka dalbaday inay safarkiisa dhulka Ruum ay kula rafiiqaan, hase ahaatee waxay u sheegeen inay doonayaan inay ku haraan dhulka Shaam, markaa buuna isaga tegay.

Markii uu gaaray Shamshaan buu istaagay oo jalleecay dhanka Beytul Maqdis, markaasuu yiri:” Nabadi ha ahaato dushaado Suuriyaay! nabad gelyo iyo sagootin oo aan soo noqod lahayn illaa aan Islaamo, dib dambena kuugu soo laaban maayo qof Ruumi ah isagoo cabsanayo mooyaan, hoogeygee!! Maxaan u dhashay? Kadib wuu sii socday Hiriqal illaa uu ka gaaray magaalladii Qusdhandhiin, halkaasoo uu boqortooyadiisii dejiyey. Waxuu wax ka weydiiyey nin markaa ka hor ay Muslimiinti horey u qafaasheen, waxuu ku yiri:” Waxaad iiga warrantaa qowmka kan (ee Muslimiinta ah)”. Waxuu ninkii yiri:” Waxaan kaaga warramayaa sida adigoo u jeeddid, waxay maalintii fuushan yahiin fardo, habeenkiina salaad bay u taaganyahiin, ma galaan (guryaha) salaaan la’aan”. Hiriqal waxuu si wacan u dhageystay dhowr sifooyin oo uu ninkii ka bixyey Muslimiinta markaa buuna Hiriqal yiri:” Haddii aad iiga run sheegtay (xaggooda) waxay mulkin doonaan halkatan ee ay gomadahaygu saaran yahiin”.

Xadiith Saxiixeynka ku sugan oo laga soo weriyey Abuu Hureyrah ayaa waxuu yiri:” Rasuulka Alle SCW waxuu yiri:” Hadii uu halaagsamo (yacni dhinta) Kisraa (boqorkii Furus) ma jiri doono Kisraa kaloo ka dambeyn doono, haddii uu halaagsamo Qeysar (boqorka Ruum) ma jiri doono Qeysar kaloo ka dambeyn doono. kan ay nafteydu awooddiisa ku jirta (yacni Allaah) baan ku dhaartaye waxaad kunuuztooda (yacni keydadkooda) u isticmaali doontaan jidka Alle”. Runtii run buu sheegay xabiibkeenna udgoon badane SCW, markii uu yiri jiri maayo Qeysar dambe ama Kisra dambe oo markaa ka dambeyn doono kuwii xilligaa jiray, kuwaasoo dhulalka Shaam iyo Furus si guud u maamuli doono. Siduu Rasuulka SCW sheegay muddo gaaban bay ahayd markii ay Saxaabadii kaga takhalluseen boqortooyadoodii. Dib dambeysanna uguma soo laabanin tan dahrigan aakhirkiisa.

Wax waliboo uu Rasuulkeenna SCW sii sheegayna waa wax dhacay ama dhici doono idinka Alle.

Dhacdadii Qeysaariyah

Sanadkan dhexdiisa ayuu amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab amray Mucaawiyah bin Abii Sufyaan inuu aado dhanka Qeysaariyah, warqad ayuuna usoo qoray isagoo ku leh:” Waxaan kuusoo wakiishay Qeysaariyah ee aad xaggeeda Allana uga gargaar dalbo dushooda, oo badi qowlka Laa xowla walaa quwati Illaah bilaahil-caliyul cadiim”. Mucaawiyah xaggii Qeysaariyah buu aaday oo uu go’doomin ku qabtay, markaa bay dadkeedii kusoo baxeen dhowr mar, markii ugu dambeysayna waa markuu dhacay dagaalkii ugu darnaa oo uu Mucaawiya cadawgu kaga laayey tiro aad u badan oo dad ah, dagaalka ayuu Mucaawiya ku xeel dheeraaday illaa uu furtay, furashaduna maysan iman jeer uu marka hore ka laayey 80 000, boqolkii kunna waxuu ku buuxiyey firxadkii ka cararay macrikada ee ay sii laynayeen ciidamadii Muslimiinta. Bishaaradii guusha iyo khumuskii qaniimada ayuu Mucaawiyah u diray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab.

Sanadkan dhexdiisa buu Cumar warqad u qoray Camr bin Al Caas, taasoo uu ku amrayo inuu aado Iiliyaa. Camr bin Al Caas wuu dhaqaaqay dariiqa intuu hayey bay ciidama Ruuman ah kusoo baxeen Ramalla agteeda, waxayna ahayd:

Dhacdadii Ajnaadeen

Markaasina waxay ahayd inuu Camr bin Al Caas ku dhaqaaqay halkaas iyadoo ciidamadiisa midigtu uu madax uga dhigay wiilkiisa C/llaahi bin Camr bin Al Caas kuwa bidixdana Junaadah bin Tamiim Al Maaliki oo ka dhashay banii Maalik bin Kinaanah waxaana la socday Shuraxbiil bin Xasana, Urdunna waxuu ku dhaafay Abul Acwar As- Sulami. Markii uu Camr bin Al Caas gaaray magaalladii Ramallah halkaa waxuu kula kulmay jamac Ruumaan ah oo uu madax uyahay Ardhaabuun oo isagu ahaa kii ugu caqliga badnaa Ruum uguna shirqool iyo sir badnaa. Ardhaabuun waxuu magaallada Ramallah dhigay ciidan culus, sidaa si lamid ahna magaalladii Iiliyaa waxuu dhigay ciidan kale oo culus, markaa buu Camr bin Al Caas warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab isagoo ku war gelinayo arrintaas. Markii ay warqaddii Camr gaartay Cumar bin Khaddaab buu Cumar yiri:” Waxaan isku dhufannay Ardhaabuunkii Ruum iyo Ardhaabuunkii Carabta”. Kadib Camr bin Al Caas waxuu diray Calqamah bin Xakiim Al Fazaari iyo Masruuq bin Bilaal Al Caki oo uu diray la dagaallanka reer Iiliyaa, misna waxuu kaloo diray Abuu Ayuub Al Maaliki oo uu u diray Ramallah oo uu markaa madax ka ahaa Tadaariq. Sababta ugu weyn ee labadaa ciidan uu u diray Camr bin Al Caas waxay ahayd inay ka mashquuliyaan labadaa magaallo inay ciidamo gurmad ah uga yimaadaann Ardhaabuun ama si aysan kaga imaan ciidamo dhabar jab kusameeyo Muslimiinta. Markastoo uu Camar bin Al Caas gurmad uu uga yimaado dhanka Cumar, waxuu u kala diraayey gurmadkaas labadii jiho yacnii Iiliyaa iyo Ramallah, isagiina waxuu dul degay Ajnaadeyn oo ay Ardhaabuun isku hor fadhiyeen. In badan oo uu ergo dirsaday Camr bin Al Caas kuwaasoo uu u diray dhanka Ardhaabuun si ay xagga Alle ugu yeeraan una gaarsiiyaan waxa uu rabo bay war shaafiyo kaga keeni waayeen, taasina waxay dhashay inuu isagu laf ahaantiisa aado isagoo lamoodo inuu yahay ergay waana siduu isagu laf ahaantiisa muujisanayey, waxuu u galay Ardhaabuun oo uu la hadlay gaarsiiyeyna dantiisii, markiina uu Ardhaabuun dhageystay hadalladii Camr bin Al Caas fahmayna ulajeeddadiisa buu dareemay inuu ninka la hadlayo yahay Camr, waxuu Ardhaabuun oo isla hadlayo is yiri:” Illaah baan ku dhaartaye kani waa Camr ama waa midkii uu Cumar qaadan lahaa ra’yigiisa, mana jirto arrin kaloo aan qowmka (Muslimiinta ah) ku asiibi karo oo aan ka ahayn inaan isagu dilo” Markaa buu Ardhaabuun u yeeray nin kamid ah ilaaladiisii oo uu arrin ku sirreeystay isagoo ku yiri:” Orodoo isaag meesha sidaa iyo sidaa oo markuu kusoo maro dil.” Camr bin Al Caas oo runtii ahaa nin digtoonidiisu ay aad u nooleyd baa dareemay inuu Ardhaabuun ninka kula faqay shirqool, markaasuu ku yiri:” Amiiryahow! Waan dhageeystay hadalkaadii adiguna waad dhageysatay hadalkeygii, aniguna waxaan ahay 10 nin midkoodii, kuwaasoo uu Cumar u soo diray dhulkan si ay masuul uga ahaadaan, waxaan jecleystay inaan kuu keeno dhammaantood si ay u dhageeystaan hadalkaada oo ay arkaan waxii aan arkay”. Ardhaabuun oo runtii arrintaa aad ugu farxay waxuu is yiri malaha 10 isagoo kalaa kuu iman doonto saa waad dili doontaa idilkooda. Waxuu yiri:” Haaheey! orodoo ii keen idil”.

Kadib waxuu u yeeray nin kale oo uu ku sirreystay isagoo ku amrayo inuu ninkii hore soo celiyo ayaa waxuu ku yiri:” Orodoo aad hebal oo soo celi” Markaa buu kacay Camr bin Al Caas oo uu ciidankiisii aaday, markiina uu Ardhaabuun yaqiinsaday inuu ninku ahaa Camr bin Al Caas buu yiri:” Ninku wuu i qayaanay, Illaah baan ku dhaartaye kani waa kii Carab ugu caqliga badnaa”.

Warkaa isaga ah baa gaaray Cumar bin Al Khaddaab markaasuu yiri:” Allaha dhowro Camr”.

Kadib Camr bin Al Caas ciidamadiisii ayuu dhisay oo dagaal daran baa ku dhex maray isaga iyo Ardhaabuun goobtii Ajnaadeyn, dagaalkaasoo ahaa mid kulul oo lamid ahaa kii Yarmuuk illaa ay meytidii labada dhinac badatay, Kadib bay ciidamadii kale u yimideen Camr bin Al Caas kadib markii ay kunoogeen reer Iiliyaa oo markaa qalcaddo adag kaga jiray. Ciidamadii Camr bin Al Caas markaa bay bateen oo dagaalkii ayaa sii socday, markaa buu Ardhaabuun warqad usoo qoray Camr bin Al Caas uu ku leeyahay:” Adigu waxaad tahay saaxiibkey iyo mid iidhigmo, qowmkaaga dhexdooda waxaad ku tahay sida aan anigu qowmkeeyga dhexdooda ku ahay. Illaah baan ku dhaartaye dhulka Falastiin ka furan meysaan wax dambe oo aan ka ahayn Ajnaadeyn ee isaga laabto oo yaydaan ku kadsoomin dabeeto ay idinku dhacdo waxii ku dhacay kuwii idinka horreeyay oo jab ah”.

Camr bin Al Caas waxuu u yeeray nin ku hadlo luuqadda Ruumiyada waxuuna u diray dhankii Ardhaabuun isagoo ku yiri uteg oo soo dhageyso waxa uu leeyahay kadiba iisoo laabo oo iiwarran. Horey ayuu Camr bin Al Caas warqad ugu dhiibay ninkaa isaga ah si uu ugu geeyo Ardhaabuun, warqaddaasi hadalladii ku qornaa waxaa kamid ah sida tan: Waxaad ogtahay anigu inaan ahay ninkii furan lahaa dhulka kan, ku dul akhri warqaddeydan intaad soo kulmiso asxaabtaada iyo waziiradaada. Markii ay warqaddii gaartay Ardhaabuun buu isu soo aruuriyey asxaabtiisii iyo waziiradiisii oo ku dul akhriyey warqaddii, markaa bay waziiradiisii ku yiraahdeen :” Oo xaggee baad ka ogaatay inuusan ahayn ninkii furan lahaa dhulkan? Waxuu yiri:” Ninkii furan lahaa dhulkan waa nin uu magaciisu ka koobanyahay saddex xaraf”. Ergeygii wuu soo laabtay oo Camr bin Al Caas ayuu uga warramay waxii dhex maray Ardhaabuun iyo waziiradiisii.

Kadib buu Camr bin Al Caas warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta isagoo ka dalbanayo inuu gurmad usoo diro, waqtigaasina waxay ahayd markii uu Cumar isku diyaarinayey inuu galo dhulka Shaam magaallada Beytul Maqdis si uu u furto.

Kadib Ajnaadeyn waala furtay oo Illaahay Muslimiintii ayuu guul iyo lib ku siiyey, halka cadawgiina ay kujabeen. Muslimiinta waxaa dagaalkan kaga shahiiday khalqi badan oo ay kamid yahiin saxaabadii Rasuulka SCW, waxaa kamid ahaa saxaabadii ku shahiidday C/llaahi bin Zubeyr bin C/Mudalib oo ay Nebigu SCW ilmo adeer ahaayeen, Hubbaar bin Al Aswad, Dhuleyb bin Cumeyr bin Wahab bin Kathiir bin Hind (Cabdi) bin Qusay Al Qurashi Al Cabadiyu oo ay dhashay Nebiga SCW eeddadiis Arwaa bint C/Mudalib, Diraar bin Al Azwar Al Asdi, Salama bin Hishaam bin Muqiirah oo la dhashay Abuu Jahal bin Hishaam, Nuceym bin Cabdillaahi Al Cadawiyu (Al Naxaam), waxaa kaloo la sheegaa inuu Nucaym ku shahiiday dagaalkii Yarmuuk. Abaan bin Saciid bin Al Caas Al Umawi (sidoo kale waxaa la sheegaa inuu Abaanna ku shahiiday dagaalkii Yarmuuk), Hubbaar bin Sufyaan bin Cabdu Al Asad Al Makhzuumi, iyo saxaabo kaloo badan Illaahay haka raalli noqdee. Waxaa la sheegaa inuu Cikramah ku shahiiday dagaalkan Ajnaadeyn qaar kalena waxay yiraahdaan Yarmuuk Wallaahu Aclam.

Furashadii Beytul Maqdis

Cumar bin Al Khaddaab waxuu dhulka Shaam galay afar jeer sida uu Seyf bin Cumar kasoo wariyey shuyuukhdiisa.

Mar waxay ahayd inuu ku galay faras waana markii la furanayey Beytul Maqdis oo ahayd markii ugu horreysay ee uu galo Shaam isagoo amiir ah. Marka labaad waxay ahayd inuu galay isagoo saaran awr, marka saddexaadna waxay ahayd inuu galay oo uu gaaray Surac kadibna uu soo laabtay xanuunkii ka dhacay halkaas darteed, marka afraadna waa inuu galay isagoo saaran dameer, siduuba soo min guuriyey ibnu Jariir.

Sida uu soo min guuriyey Ibnu Jariir Ad-Dhabari, sanadkan baa la furtay Beytul Maqdis, sababtuna waxay ahayd markii uu Abuu Cubeydah ka faaruqay Dimashiq buu warqad u diray reer Iiliyaa isagoo ugu yeeraya xagga Allaah iyo Islaamka, haddii ay diidaanna u bandhigaya jizyo, hadday diidaanna dagaal. Way diideen reer Iiliyaa wixii uu ugu yeerayey Abuu Cubeyda oo aan ka ahayn dagaal, markaa buu ciidamaddiisii la dhaqaaqay. Dimashiqna waxuu ku dhaafay Saciid bin Zeyd bin Camr Al Cadawi, markaa buu Abuu Cubeydah Beytul Maqdis go’doomin ku qabtay jeer ay dalbadeen heshiis hase ahaatee ay ku shardiyeen in uu u yimaado amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab. Markaa buu Abaa Cubeydah warqad u qoray Cumar bin Khaddaab isagoo arrintaa ku ogeysiinay, Cumarna dadkii reer Madiina iyo saxaabaddii buu kala tashaday inuu baxo iyo inuu joogo. Cuthmaan bin Cafaan oo kamid ahaa dadkii uu la tashanayey isaguu waxuu soo jeediyey inuusan bixin oo isku mashquulin kuwaas isagoo markaa xaqirayey sheegayna inay yahiin kuwa aan habbooneyn inuu Amiirka Mu’miniinta isku mashquuliyo. Cali bin Abii Daalib oo isaguna kamid ahaa raggii ahlu shuurada waxuu keenay ama soojeediyey inuu Cumar baxo oo uu Muslimiinta howsha go’doominta usoo dhib fududeeyo uuna soo booqdo si ay taasi niyad dhisugu noqoto. Runtii Cumar fikirkii Cali buu doorbiday oo uu qaatay. Markaa buu ciidamadiisii la dhaqaaqay isagoo magaalladii Madiinana ku dhaafay Cali bin Abuu Daalib, ciidamadiisa hore waxuu madax uga dhigay Al Cabbaas bin C/Mudhalib, waxuuna qaatay faras si uu u deg dego, waxuuna gaaray goobta Jaabiyah halkaasoo uu ciidamadiisii dejiyey kuna khudbeeyey khudbadiisii caanka ahayd ee uu ku waaninayey. Kadib waxuu la heshiiyey reer Jaabiyah, kadiba waxuu uguuray Beytul Maqdis, madaxdii goballaduna warqado ayuu uqoray si ay usoo wafdiyaan maalin heblo Jaabiyah oo uu ula kulmo, Markii ay ugu imanayeen halkii uu kula ballamay maalintuu laballamay, Yaziid bin Abii Sufyaan ayuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee madaxdaasi kamid ah ee uu Cumar lakulmay, kadibna Abuu Cubeydah ayuu la kulmay, kadibna waxuu arkay Khaalid oo fardooleydii Muslimiinta ku dhex jira.

Markii uu Abuu Cubeydah arkay Cumar buu usoo socday dhankiisa Cumarna uu usoo dhaqaaqay dhankii Abuu Cubeydah iyagoo midiba midka kale u hilloowsanyahay oo uu u xiiso qabo, markaa buu Abuu Cubeydah damcay inuu dhunkado gacmaha Cumar, Cumar baa markaa fahmay oo inta iska qabtay damcay inuu dhunkado lugaha Abuu Cubeydah, markaa buu Abuu Cubeydana fahmay oo uu iska qabtay. Taasi waxay muujineysaa sidii ay iskugu hillooween raggaa walaalada ah oo kala maqnaa muddo afar sano ah Radiyallaahu Canhumaa.

Madaxdii oo idil way kulmeen kadib markay soo boggeen howlahoodii marka laga reebo Camr bin Al Caas iyo Shuraxbiil bin Xasana, iyagu markaa waxay hortaagnaayeen Ardhaabuun oo waxay ahayd markii ay socotay carcartankii Ajnaadeen. Goor uu Cumar kula suganyahay madaxdii goobta Jaabiyah baa waxaa yimideen guuto Ruumaan ah oo wadato seefo galku ka baxsanyahay, markaa bay Muslimiintii oo hubkooda sita la aadeen dhankoodii markaa buu Cumar ku yiri:” Kuwan waa dad dalbanayo magangalyo”. Markaa bay dhankoodii aadeen oo waaba ciidama kayimid dhanka Beytul Maqdis kana dalbanayaan heshiis iyo magan galyo amiirkii Mu’miniinta kadib markay maqleen soo galootigiisa. Markaa buu Cumar kaga jawaabay wixii ay weydiiyeen una qoryay warqad heshiis ah iyo magan galyo, waxuuna kuwaajibiyey jizyo, isagoo kula sharatamay jizyo. Warqaddii uu Cumar u qoray waxaa goob joog ahaa rag kamid ah madaxdii ciidamada Muslimiinta oo uu kamid ahaa Khaalid bin Waliid, waxaa kaloo joogay C/Raxmaan bin Cowf oo isagu Cumar lasocday, Mucaawiya bin Abii Sufyaan oo isaguna kamid ahaa madaxdii gobalka Shaam, isaga ayaana warqadda qorayey.

Kadib reer Ludd buu warqad kale u qoray isagoo ku waajibiyey inay bixiyaan jizyo kulana heshiiyey mid lamid ah heshiiskii reer Iiliyaa.

Dhanka kale Ardhaabuun waalaga adkaaday waxuuna u cararay Masar oo halkaa ayuuna ku guuleystay Camr bin Al Caas sidaynu soo xusnay. Markiina uu la heshiiyey reer Ramallah iyo hareerahii dhulkaas buu soo aaday dhankii Cumar bin Al Khaddaab, isaga oo uu lasocda Shuraxbiil bin Xasana, waxayna ugu yimideen Jaabiyah. Waxay utegeen goor uu Cumar faraskiisa saaranyahay, markaa buu usoo degay, markuu arkay oo macaanaqeeyay yacni xabadka xabadka u saaray oo dhunkaday labaduba.

Kadib Cumar waxuu ka dhaqaaqay Jaabiyah isagoo ku jeedo Beytul Maqdis, kadibna wuu galay isagoo Ruumaankiina u qabtay muddo 3 casho ah. Kadib waxuu galay masjidkii isagoo ka galay albaabkii uu Rasuulka SCW ka galay habeenkii dheelmitaanka. Waxaa la sheegaa inuu salaamay masjidka markii uu galay oo uu tukaday labo rakcadood oo taxiyatul masjid ah isagoo ku tukaday Mixraabu-Daa’uud CS. Salaaddii subax ayuu Muslimiintii halkaa ku tujiyey isagoo akhriyey rakcada koowaad suuradda Saad kuna sujuuday sujuudda dhexdeeda ah, rakcaddii labaadna waxuu akhriyey suuradda banii israa’iil ( israa ).

Kadib markuu la heshiiyey kulana heshiiyey bixinta jizyo oo Beytul Maqdis, Lud iyo Jaabiyah uu furtay, oo uu madaxdii iyo ciidamadii Muslimiinta la kulmay, muddo dhowr casho ahina uu lajoogay ayuu magaalladiisii Madiina ku laabtay, isagoo Ruumaankii oo idil rucbi iyo argagax ku riday kadib markii ay maqleen soo galootiga uu dhulka Shaam soo galay.

Aan immika uweecanno dhankaa iyo dhacdooyinkii Furus ee sanadkan.

Baabil & Kowthi

Sida uu xusay Ibnu Jariir sanadkan 15aad dhexdiisa bay Muslimiintii iyo Faarisiintii dhex mareen dhacdooyin badan, in kastoo dhacdooyinkaas ay mu’arrakheenta sida Ibnu Isxaaq iyo Seyf bin Cumar iyo Al Waaqidi ay kusheegeen sanadkii 16aad ee Hijriyada. Sida mash-huurka ah oo Ibnu Jariir uu qabo ayaa waxay tahay in markii uu Sacad Qaadisiyah ka faaruqay buu Cumar warqad u qoray dhankii Sacad, taasoo uu ku amrayo inuu aado Madaa’in oo ahayd xaruntii boqortooyadii Furus, dumarka iyo carruurtana uu ka tego. Markaa buu Sacad ciidamadiisii diyaarsaday, markaa buuna hortiisa diray ciidamadiisii hore oo uu madax uga dhigay Zuhrah bin Xawiyah. Kadib madaxdii baa mid mid isaga daba baxday, dabeetana ciidamadii guud ee uu Sacad hoggaaminayey ayaa dhaaqaaqeen, iyadoo markaa ay ciidamadaasi siteen fardo iyo hub aad u tiro badan. Dagaalkii Qaadisiyah waxaa u xil saarnaa dagaal gelinta ciidanka Khaalid bin Curfadhah, halkii booskiisa buu Sacad ka qaaday oo uu u dhiibay wiilkii walaalkiis ee Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas, Khaalidna waxuu udhiibay ciidamadii dambe. Markaa buu Sacad dhaqaaqay isagoo wata hub iyo fardo tiro badan, markaana waxay ahayd iyadoo maalmo ay ka dhimantahay bishii Shawaal ee sanadkan. Waxay degeen ciidamadii halka ay maanta tahay magaallada Kuufa, markaa buu Zuhrah bin Xawiyah hortooda guuray isagoo ku sii jeedo magaalladii Madaa’in ee xaruntii boqortooyadii Furus. Waxuu Zuhrah dhaxda kula kulmay Busbuhri oo hoggaaminayo ciidamo Faarisiin ah kadibna wuu jebiyey. Jabkii Faarisiinta ee ka cararay Zuhrah baa waxay orad ku galeen Baabil, halkaana waxaa ku sugnaa kuwii kasoo jabay maalintii Qaadisiyah.Markaa bay madax ka dhigteen Feyruzaan.

Markaa buu Zuhrah warqad u diray dhankii Sacad bin Abii Waqaas, taasoo uu ku ogeysiinayo in Baabil ay isugu tegeen jamac kuwii Qaadisiya kasoo jabay iyo weliba kuwo uu isagu jebiyey, oo ay weliba madax kadhigteen Feyruzaan . Markaa buuna Sacad ciidamadiisii lasoo dhaqaaqay isagoo ku jeedo dhankii Baabil, halkaa ayayna Sacad iyo Feyruzaan isku heleen oo uu ku jebiyey. Jabkii kuwii cararay ee Majuusta baa waxay uqeybsameen labo qeybood, qeyb iyadu u carartay dhankii Madaa’in iyo qeyb kaloo u carartay dhanka Nahaawunda. Sacad maalmo ayuu kusii nagaa Baabil, kadib buuna ka dhaqaaqay isagoo u boqaallay dhankii Madaa’in. Dhexda ayuu kula kulmay koox kaloo Faarisiin ah, waxaana dhex maray dagaal aad u kulul. Markaa buu amiirkii ciidamadaas oo la oran jiray Shahryaar mubaarizo soo baxay, markaa baa waxaa u baxay nin kamid ah ciidamadii Muslimiinta oo la oran jiray Abuu Nabaatah Naa’il bin Jushcum Al Acraji muddo bay is laaclaaceen iyagoo fardahooda dul saaran, markaa bay markii dambe qoorta isla galeen, dabeetana ay dhulka Iskula dhaceen, Shahrayaar baa waxuu kudul dhacay xabadka Abuu Nabaatah dabeetana jeebta ayuu gacanta geliyey si uu ula soo baxo mindi qinjir ah oo uu doonayey inuu ku qalo, hase ahaatee Abuu Nabaatah Naa’il bin Jucshum baa waxuu afka la helay fartii Shahrayaar oo uu qaniinyo dhab siiyey illaa uu nafsaddiisii u mashquuliyey markaa buu kaga itaal roonaaday inuu qinjirkii ka qaado dabeeto buu darsiiyey oo uu ka tallaabsaday waxuuna ka furtay wixii hub iyo salab ahaa ee uu sitay iyo faraskiisii. Sacad bin Abii Waqaas waxuu u jideeyey inuu qaato wax alliyo wixii uu ka furtay oo hub iyo faras iyo hanti, waxuuna Sacad amray inuu Abuu Nabaatah ku dagaal galo faraskii uu kafurtay Shahrayaar, markaa buu isagiina Abuu Nabaatah fuulay faraskii oo uu ku dagaallamayey. Goobtu waxay ahayd Kowthi, markaa buu Sacad booqday halkii lagu xabbisay Nebiyullaahi Ibraahiim Al Khaliil CS, waxuuna markaa Sacad akhriyey qowlka Alle Sarreeye ee ah: Waana sidaas (adduunyadu) waa maalmo oo waxaanu ku kala wareejinnaa dadka dhexdiisa. Suuradda Aali Cimraan aayadda 140aad.

Nahar-Sheer (Bahuraasiir)

Mucjamul Bildanka waxaa kusugan magaca ah Buhuraasiir sidaa si lamid ahna Taariikh Ad Dabaqaat waxaa ku qoran Bahurasiir, qaar kalena waxay yiraahdaan sida kusugan Al Bidaaya wan Nihaaya: Nahar-Sheer.

Magaalladan Bahurasiir ama Nahar-Sheer waxay ahayd mid kamid ah magaallooyinkii la isku oran Jiray Al Madaa’in.

Sababta dhacdadani waxay ahayd Sacad baa wuxuu diray Zuhrah bin Xawiyah hortiisa isagoo u diray dhanka Bahuraasiir ama Nahar-sheer. Markaa bay ku kulmeen Shayrizaad goobta Saabaadh, halkaasoo uu kula heshiiyay inay bixiyaan Jizyo. Kadib buu Zuhrah u diray dhanka Sacad heshiiskii iyo jisyadii uu ka guntay Shayrizaad. Markaa buu Sacad ciidamadiisii soo dhaqaajiyey illaa uu soo gaaray meel la yiraahdo Mudlem Saabaadh, halkaasina waxaa kusugnaa jamac Faarisiin ah, waxaayna dariiqa Muslimiinta dhigeen libaax weyn oo uu lahaa boqorkii Kisraa, waxaana libaaxaasi la oran jiray Muqarridh. Markaa buu Sacad dhankii libaaxa u diray wiilkii walaalkiis, Haashim bin Cutbah ibnu Abii Waqaas oo dilay libaaxii dadkii oo eegayo, maalintaa baana seyftiisii loogu magac daray Seyful Matiin, markaa buuna Sacad dhunkaday madaxa Haashim, Haashimna waxuu dhunkaday lugaha Sacad.

Kadib Haashim baa weerar ku qaaday Faarisiintii illaa uu durkiyey isagoo akhrinayo qowlka Alle Sarreeye:” Oo maweydaan ahayn kuwii horey ku dhaartay inayan idiin sugnaan wax tegid ah”. Suuradda Ibraahiim aayadda 44aad.

Markii habeenkii la gaaray bay Muslimiintii rarteen oo ay dul degeen Bahuraasiir (Nahar-Sheer), markastooy guuto kamid ah ciidamada Muslimiinta gaaraan halkaas way takbiirsanayeen, illaa markii dambe uu yimid ciidankii weynaa ee Sacad, halkii bayna dul degeen oo ay go’doomin ku qabteen.

Sanadkan waxaa dadka xajiyey Cumar bin Al Khaddaab, masuuliyiinta goballaduna waxay ahaayeen: Shaam Abaa Cubeydah, Ciraaqna Sacad bin Abii Waqaas, Dhaa’if waxaa masuul uga ahaa Yaclaa bin Umayah, Baxreen iyo Yamaama-na waxaa masuul uga ahaa Cuthmaan bin Abil Caas Al Thaqafi, Cummaanna waxaa masuul uga ahaa Xudeyfah bin Muxsin. Sidaa waxaa qabo Ibnu Jariir.

SANADKII 16AAD

Bilashadii sanadkan howlahii sidii hore waa ay ka fududaadeen, Sacad-na waxuu dul degnaa Buhurasiir oo kamid ahayd magaallooyinkii laysku oran jiray Madaa’in, waxay magaalladani daanta galbeed ka xigtay webiga Furaat. Waqtiguu Sacad halkaa tegay waxay ahayd bishii Dil Xijjah ee sanadkii 15aad, oo sanadkan howshii way u fududaatay iyadii ayuuna dul daganaa.

Sacad intuu halkaa joogay waxuu diray fardooley wardoon ah, hase ahaatee cidi maysan soo helin aan ka ahayn inay soo qabqabteen 100 000 oo qotidii reer Furus. Markaa buuna Sacad warqad u diray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab, taasoo uu kala tashanayo siduu ka yeeli lahaa. Markaa buu Cumar soo amray in haddaysan la dagaallamin uu iska sii daayo, oo uu u bandhigo marka hore inay islaamka qaataan. Sacad Islaamkii buu ubandhigay oo xagga Alle buu ugu yeeray, wayse ka diideen waxayna doorteen inay bixiyaan jizyo, kadibna wuu iska sii daayey.

Majirin beeraley kunooleed dhul kamid ah wixii galbeedka ka jiray webiga Dajlah ee xigay dhulka Carabta illaa waxay hoos imanayeen dowladdii Islaamka iyo inay bixiayan jizyo. Magaalladii Bahurasiir waxay diidday Sacad diidis tii ugu darneed inuu haweysto. Markaa buu u diray Salmaan Al Faarisi si uu xagga Alle ugu yeero, suu xagga Alle ugu yeeray, ama jizyo ama dagaal. Hase ahaatee way diideen wixii uu ugu yeeray oo aan ka ka ahayn dagaal iyo caasin. Markaa bay xireen manjaaniiq iyo dabaabaat. Markaa buuna Sacad amray ciidamadii Muslimiinta in la sameeyo manjaaniiq, waxaana la sameeyay 20 manjaaniiq oo lagu dul xiray magaalladii Bahurasiir, go’doomintiina way ku adkeeyeen. Reer Buhurasiir (Nahar-Sheer) waxay ahaayeen kuwa mararka qaar soo baxa oo dagaallamo, waxayna ku dhaaranayeen inaysan carareynin abad, hase ahaatee Alle baa beeniyey dhaartoodii kadib markii uu jebiyey Zuhrah bin Xawiyah oo uu ka laayey tiro aad u badan oo Faarisiin ah, markaa bay hortiisii carareen oo magaalladii galeen.

Muslimiintii go’doomintii ayay ku qabteen oo weliba kusii adkeeyeen, heer dadkii baladka qaajo daran qabatay oo ay bahallada cuneen. Nin iyagii kamid ah baa Muslimiinta uyimid oo ku yiri:- Boqorku waxuu idin leeyahay Ma dooneysaan inaad inalagu heshiisaan inaan yeelanno waxiiwebiga Dajlah xagga buurtayada ka xigo, oo aad idinna yeelataan waxii webiga Dajla xagga buurtiina ka xigo? Oo ma ku dheregteen, Alle calooshiinnu ma dherjiyee? Markaa baa waxaa dadkii kasoo dhex booday nin la oran jiray Abaa Muqarrin (ama Abuu Mufarriz) Al Aswad bin Qudhbah oo Alle baa ka hadashiiyey isagoon ogeyn waxuu ku hadaaqay. Ninkii Faarisiga ahaa wuu laabtay, markaa bay Muslimiintii arkeen Faarisiintii oo ka guureyso magaalladii Bahurasiir una guureyso Madaa’intii weyneed. Markaa bay dadkii Abuu Mufarriz ku yiraahdeen:- Oo maxaad ku tiri (waa iyaga guuraye)? Markaasuu ku yiri:- Kan Muxammed SCW xaqa kusoo diray baan ku dhaartaye garan maayo waxii aan ku iri, kaliya (waxaan ogahay) inay sakiinad igu soo degtay, waxaana rajeyn inuu noqdo waxii aan ku hadaaqay waxa ugu wanaagsan. Dadkii baa waxay gudo galeen inay arrintaa wax ka weydiiyaan, waxaana kamid ahaa dadkii su’aalayey Sacad bin Abii Waqaas oo isagu halkuu degnaa ugu tegay markaasuu ku yiri:” Maxaad ku tiri? Illaah baan ku dhaartaye waa iyaga cararay.

Markaa buu Abaa Mufarriz ugu dhaartay inuusan garaneynin waxii uu yiri.

Sacad bin Abii Waqaas dadkii buu ka dhex dhawaaqay isagoo ku amrayo in manjaaniiqa lagu gano magaallada. Dabeeto nin baa ka dhex qayliyey kamid ah dadkii baladka oo dalbanayo magangalyo, markaa bay magan geliyeen. Waxuu ninkii yiri:” Illaah baan ku dhaartaye cidi kuma sugno baladkan”.

Muslimiintii markii ay soo galeen waxay yimideen magaalladiii oo cidlo ah oo aysan qofna kula kulmin, idil waxay u carareen Madaa’intii weyneed.

Waqtigaas waxuu ahaa bishii Safar ee sanadkan. Muslimiintii markii ay soo galeen magaalladii Bahurasiir waxay doon dooneen qasrigii caddaa ee Madaa’in. Waa qasrigii boqorka ee uu horey u xusay Rasuulka SCW inay furan doonaan umaddiisa.

Markaasi waxay ahayd goor waa bari ah, waxaana u hor arkay Diraar bin Khaddaab markaasuu yiri:” Allaahu akbar ( Qasrigii ) caddaa ee Kisraa, waxa kani waa waxii ay inoo yabooheen Allaah iyo Rasuulkiisa SCW”. Markaa bay Muslimiintii dhankiisii wada eegeen, dabeetana ay takbiir kuwada qaabilleen illaa uu ooggu ka baryay.

Furashadii Madaa’in

Markii uu Sacad furtay Bahurasiir oo uu dajiyey, sifadii uu markaa ku galayna waxay ahayd iyadoo cidlo ah waxbana uusan ka helin, bal ee gedigood Faarisiintii waxay u wareegeen Madaa’intii weyneed iyagoo webiga Dajlah ku gooshay doonyo, wixii hanti ahaana rarteen. Sacad bin Abii Waqaas ma uusan haysan wax doonyo ah oo uu ciidamadiisa ku raro si uu uga daba tego cadawga. Webigii Dajla wuu kacay oo mowjadaha hirka waxay ahaayeen kuwa aad u waaweyn. Markaa baa waxaa soo gaaray Sacad war ah in boqorkii Kisraa ee Yazdajrid uu doonayo inuu ka guuro magaallada Madaa’in oo uu u wareego Xulwaan, isagoo waxii hanti uu lahaa oo idilba aruursaday, haddiisanna uu Sacad ka gaarin muddo saddex casho gudahooda ah inuu ka tegi doono oo uusan gaariyenin bay usoo tabiyeen wardoonnada. Markaa bay arrini Sacad ku caddaatay, dabeetana ciidamadii buu ka dhex kacay oo Alle mahadiyey oo amaanay kadib buu u khudbeeyay isagoo usheegay in cadawgu uu ka maciinsaday baddan (Webiga Dajlah oo kacay), waxuuna Sacad isoo webiga dul taagan usheegay ciidamadiisii inay isagu ka go’antahay inuu galo webiga oo uu dhex goosha illaa uu dhanke kale tego oo uu markaana cadawga la kulmo. Ciidamadii oo idil waa ay ku raaceen inay iyaguna la galaan biyaha, waxayna yiraahdeen:” Alle baa innaga iyo adigaba inoo gooyay falka kiisa toosan”.

Sacad waxuu ciidamadii ka soo dhex saaray kudhawaad 600 si ay iyagu marka hore u galaan oo ay utamkiiniyaan dhanka kalee webiga, waxuuna madax uga dhigay Caasim bin Camr.

Caasim baa ciidamadii lixda boqol ahaa ka kaxaystay 60 fardooleydii geesiyaasha ee farakutiriska kamid ahayd si ay marka hore iyagu u galaan. Markaa bay 60-kii fardooleyda ahayd wada galeen biyahii, waxayna ukala qeybsameen labo qeybood, qeyb kuwii fardaha labka sitay iyo qeybta kaloo ahayd kuwii fardaha dheddiga sitay. Faarisiintii markii ay arkeen iyagoo dul socda biyaha bay yiraahdeen:” Diiwana! Diiwaana! oo ay ula jeedaan Majaaniin! Majaaniin! oo lamacno ah waa kuwo waalan”.

Waxay yiraahdeen:” Ma la dagaallameysaan dad bal ee waxaad la dagaallameysaan jinni”. Kadib waxay Faarisiintii soo direen fardooley iyaga kamid ah si ay Muslimiinta ugu diidaan inay biyaha kasoo baxaan, markaa buuna Caasim asxaabtiisii amray inay ay gammuunka iyo waramada lasoo baxaan oo ay indhaha ka tuuraan. Markiina ay usoo dhawaadeen birrigii bay waramada kaga shaqeeyeen oo ay fardahoodii indhaha ka tuureen, kadibna Faarisiintii dib bay ulaabteen iyagoo awoodi kari waayey inay Muslimiintu hor istaagaan ilaa ay markii dambe ka baxeen biyahii. Markaa buu Caasim raacdeystay illaa uu ka eryay dhankii kale.

Intii kalee ka hartay asxaabtii Caasim ee lixda boqol ayaa iyana soo galeen, waxayna utageen asxaabtoodii kale ee dhanka kale joogtay oo ay lajirkooda la dagaal galeen illamaa ay dhankaas ka eryeen Faarisiintii oo ay tamkiiniyeen.

Guutada hore ee ciidamadaas waxaa lagu magacaabi jiray Katiibatu Al Ahwaal, waxaana madax u ahaa Caasim bin Camr sidaynu soo xusnayba. Guutada labaadna waxaa la oran jiray Katiibatu Al Kharsaa waxaana madax u ahaa Al qacqaac bin Camr. Sidaa ayada ah guud ahaan ciidamadii kale ee Sacad waxay daawanayeen sida ay fardooleyda Muslimiinta ugalayaan majuusta Faarisiinta, Sacadna waxuu taagnaa webiga jinkiisa.

Ciidamadii kale ee haray ayaa iyaguna dhammaantood soo galeen, waxayna markaa ahayd markii ay arkeen in fardooleydii Muslimiinta ay haggaajiyeen dhankii kale oo ay Faarisiintii ka eryeen. Waxuu Sacad amray markii ciidamadu Muslimiinta ay galayeen biyaha inay yiraahdaan:” Nastaciinu Billaah, wanatawakalu caleyhi, Xasbunallaah wanicmal wakiil, walaa xowla walaa quwati illaa Billaahil Caliyul caziim”. Kadib faraskiisii buu la galay, Muslimiintii oo idilna way lasoo galeen oo cidi kamaysan harin. Markaa bay biyahii ku dul socdeen sida ay dhulka ugu socdaan oo kale, waxayna buuxiyeen labadii dhinac ee webiga. Biyaha ayay ku dul sheekeysanayeen sida ay dhulka ugu sheekeystaan oo kale, mana jirin wax biyo ah oo soo gaarayey alaabtooda iyo heeryada fardaha toona. Taasi waxay timid kadib markii ay dejisay xasilooni oo kalsooni dhammeys ah ay qaateen iyagoo ku rajo weynaa yabooha iyo gargaarka Alle, tiiyoo uu ciidamadaasi amiir u ahaa Sacad bin Abii Waqaas oo kamid ahaa 10kii jannada loogu bishaareeyay uuna Rasuulka SCW geeriyooday isagoo ka raalli ah oo weliba u duceeyay isagoo leh:” Alloow!! ajiib ducadiisa oo ganiddiisuna sug”.

Ulajeeddadu waxay tahay Sacad wuxuu ahaa amiirkii ciidamadaasi Muslimiinta ee maalintaa iyada ah, uuna ciidamada u duceeyey isagoo Rabbiga Sarreeye ka baryey guul iyo badbaado. Gamuun buu Sacad ku ganay hirkii biyaha, markaa buuna Alle u adkeeyay oo ku nabad yeelay, mana jirin cid Muslimiinta kaga hafatay biyaha ama ay wax kusoo gaareen, marka laga reebo nin isago faraskiisa ka sibiqaday durbana waxaa qabtay Al qacqaac bin Camr oo kamid ahaa geesiyaashii Muslimiinta. Markaa buu ku toosiyey reeryadii faraska illaa uu si saani ah ugu fadhiisiyey. Ninkaa isaga ah waxaa la oran jiray Qurqadah Al Baaruqiyu. Waxuu yiri:” Haweeni way ka caajistay inay dhasho Al qacqaac bin Camr oo kale”.

Sidoo kale majirin hanti kaga fakatay Muslimiinta biyahaas, marka laga reebo weel ka sameysnaa geed oo uu lahaa nin la oran jiray Maalik bin Caamir, isagiina Alle ayaa usoo celiyey kadib markii uu ka baryay inuu usoo celiyo weelkiisii. Mowjadahii hirka baa soo celiyey oo keenay dhankii ciidamadu Muslimiintu ay marayeen, markaa bay inta soo qabteen u dhiibeen ninkii lahaa. Maalintaa iyada ah waxay ahayd maalin weyn oo mucjiso weyn ay dhacday, waxayna ahayd mucjiso kamid ah mucjisooyinkii uu Rabbi SW usoo dejiyey addoomadiiisa. Tanoo kale ayaanan horey uga dhicin dhulka Furus iyo dhulalkii kaleba, marka laga reebo qadiyaddii Al-Calaa bin Xadramiy ee ka dhacday dhulka Baxreyn, hase ahaatee tan ayaa ahayd mid ka weyn kana mucjiso ballaaran, waayo ciidamadani way ka badnaayeen ciidamadii Al Calaa oo wayba ku dhowr jibbaarmayeen.

Wuxuu Sacad maalintaa yiri:” Kan nagu filan waa Allaah, isaga ayaana unicmo badan wax la talo saarto. Illaah baan ku dhaartaye wuu u gargaari doonaa Alle weligiisa, wuuna dahirin doonaa diintiisa oo wuuna jibin doonaa cadowgiisa, hadduusan ciidanku kujirin mid baqyi ah ama aysan jirin dunuub ka adkaan karto xasaanaadka”.

Salmaan Al Faarisi oo Sacad la socday ayaa isaguna waxuu yiri:” Islaamku waa jadiid, oo Illaah baan ku dhaartaye Alle baa u jeexay badda siduuba ugu jeexay berriga (yacni dariiq buu uga sameeyay). Kan (Allaaha) ay nafta Salmaan gacantiisa (awooddiisa) kujirto baan ku dhaartaye waxay (Muslimiintu) uga bixi doonaan (biyaha) koox koox siday markii horeba kusoo galeen koox koox”.

Markii ay Muslimiintii ka baxeen biyahii bay galeen magaalladii Madaa’in oo ay horey Faarisiintii uga baxeen, cidina kulmaysan kulmin Muslimiintu magaallada, oo boqor Yazdajridna wixii uu hantidiisa ka qaadan karayey iyo ehelkiisii ayuu ka qaatay oo uu aaday dhanka Jolowlaa. Wuxuu Yazdajrid ka tegay hanti badan oo tabar uu ku qaado u waayey, sabab la xiriirta isagoo naftiisa la cararayey darteed, waxaana la sheegaa keydkii Kisra inay maalintaa kujirtay 1000 000 000 000 Diinaar, intay awoodi kareen ayayna ka qaateen intii kalena waa ay ka tegeen, waxaana lagu qayaasaa hantiday ka tegeen nus kamid ah keydkii Kisraa oo aan runtii lasoo koobi karin tira badnida uu qabay.

Markii ugu horeeysay waxaa galay magaallada guutadii la oran jiray Katiibatu Al-Ahwaal, kadibna waxaa galay guutadii labaad ee iyana la oran jiray Katiibatu Al-Kharsaa.

Sacad bin Abii Waqaas iyo ciidamadiisii ayaa misna soo galeen magaalladii, waxuuna arkhinayey Sacad markuu soo galayey qowlka Alle Sarreeye:” Oo immisay ka tageen beero iyo dur durro, iyo tallaalo iyo meelo sharaf leh, iyo nicmooyin ay ku raaxeysan jireen? Xaalku waa sidaas, oo waxaanu dhaxalsiinnay qowm kale (oo Muslimiin ah)”. Suuratu Dukhaan aayadaha 25aad illaa 28aad.

Waxuuna Sacad tukaday markuu soo galay 8 rakcadood oo ah salaadda furasha. Seyf bin Cumar siduu xusay waxuu leeyahay:” Sacad waxuu tukaday siddeeda rakcadood isagoo mar qura salaamo noqdsaday”. Kadib waxuu ciidamadii Muslimiinta tujiyey salaaddii jumcaha ee ugu horeysay, taasoo ahayd tii ugu horeysay ee dhulka Ciraaq lagu tukado, sababtuna waxay ahayd inuu Sacad niyooday inuu kusii naqaado Madaa’in.

Kadib wuxuu diray Sacad sirriyaad uu ku diray raadkii kuwii jabay iyo Yazdajrid. Waxay sirriyadaasi is heleen koox Faarisiin ah oo ay diriri dhex martay, dabeetana ay jebiyeen kana soo furteen hanti badan oo kamid ah wixii ay Madaa’in kala carareen oo u badnaa dhar, gaar ahaan lebbiskii boqor Yazdajrid, taajkiisii iyo xulliyad badan oo la isku qurxiyo. Sacad bin Abii Waqaas waxuu amray in la isku soo aruuriyo hantidii laga soo furtay kuwii jabay iyo tii weliba laga qaniimeystay Madaa’in.

Markuu Sacad furtay magaalladii Madaa’in oo uu degay qasrigii caddaa ayuu arkay sanamyo dhowr ah oo midi uu gacanta ku ishaarayo meel, halkii buu markaa Sacad amray in la qodo. Dabeeto waala qoday waxaana laga soo saaray hanti aad u tiro badan oo ah keydkii boqorradii hora ee Kisraa. Muslimiintii waxay halkaa ka qaniimeysteen hanti aysan cidi horey ugu arag dunida wax ka cajiibsan, waxaana kamid ahaa hantidaas taajkii weynaa ee Kisraa, kaasoo ka sameysnaa jowharad indhuhu soo jiidanayso. Waxaa kaloo kamid ahaa seyftii boqorka iyo hanti kaloo badan oo u badneyd dahab, lu’lu, fiddo iyo jowhar faro badan. Waxaa kalooy ka heleen maab fidsan oo aad weyn oo ka sameysnaa dahab iyo jowharad, waxaana ku sawirnaa dhammaan goballada dhulka Furus iyo weliba inta dhul hoos timaaddo boqortooyada Faaris. Boqorka ayaa ka eegan jiray dhulalka uu utaliyo, iyo webiyadiisa iyo dhulbeereedka dhulka hoos yimaado isaga.

Taajku wuxuu ahaa mid weyn, oo markuu boqorku ku fadhiisto kursiga boqortooyada ayaa kor looga keenayey taajka oo ay ku xiranyahiin silsilado waaweyn oo ka sameysan dahab, kuwaasoo kor u celinayo, waayo taajka ayaa waxuu ahaa mid culus oo uusan boqorku awoodin inuu madaxa ku haayo, sidaa darteed isaga madax ayunbuu la galayey oo silsiladaha dahabka ah ayaa kor uga haaynayey. Markuu fadhiisto oo xijaabka laga qaado bay madaxdiisa iyo dadkiisa sujuud ula dhici jireen. Kadib markuu isku soo aruuriyey Sacad xoolahii Aqbaadhka ( qaniimadii inta aan la qeybinin ) buu u madax uga dhigay Camr bin Camr bin Muqarrin, hantidii ugu horeeysay ee uu isku soo aruuriyana waxay ahayd tii uu ka helay qasrigii caddaa.

Runtii waxay ahayd hanti aanan lasoo koobi karin tiro badni awgeed iyo kala nooc nooc ay qabtay darteed, wuxuuna intaa dabadeed Sacad u xil saaray qaybinta qaniimada Salmaan Al Faarisi kadib markuu ka saaray khumuskii, markaa buu qofkii faras watay helay 12 000. Ciidankoo idilna waxay ahaayeen fardooleey.

maabkii qariidada iyo dharkii Yazdajrid wuxuu Sacad kudaray khumuskii qaniimada, waxuuna udiray dhankii Cumar iyo Muslimiintii Madiina si ay u eegaan oo ay ula yaabaan. Wuxuuna u dhiibay Bashiir bin Khasaasiyah. Bishaaradii guushana waxuu u dhiibay Xuleys bin Filaan Al Asadi. Markii uu Cumar arkay hantidaas waxuu:” Qowmka keenay hantidan waa aaminiin”. Markaa buu Cali yiri:” Adiga ayaa dhowrsanaatay, markaa bayna raciyadaadii dhowrsanaatay, saa haddii aad daaqi lahayd iyana way daaqi lahaayeen”. Dabadeed Cumar hantidii buu dadkii u qeybiyey Calina waxuu saami u helay gobal kamid ah maabkii qariidada, markaasuu ku iibiyey 20 000.

Cumar bin Khaddaab markii loo keenay waxyaabahii uu Kisraa isku qurxin jiray ee xulliyaadka ahaa ayuu jinjimahii Kisraa ee dahabka ahaa u dhiibay Suraaqa bin Maalik bin Jucshum. Suraaqa horey buu Rasuulka SCW ugu ballan qaaday inuu heli doono jinjimaha Kisraa. Markiina uu Cumar u gelinayey Suraaqa jinjimaha ayuu ku yiri:” Dheh Allaahu akbar”. Markaasuu yiri:” Allaahu akbar”. Waxuu yiri Cumar:” Dheh mahad waxaa iska leh Allahii kasoo qaaday Kisraa bin Hurmuz ee u geliyey Suraaqa bin Maalik acraabigii reer banii Mudlaj”. Markaa buu Suraaqana sidaa yiri, markaasuu Cumarna yiri kadib markuu arkay jinjamahii oo kujiro gacantii Suraaqa:” Mahad waxaa iska leh Allahii kasoo qaaday Kisraa oo u geliyey Suraaqa bin Maalik acraabigii reer banii Mudlaj”.

Kadib Cumar waxuu yiri:” Alloow! adiga ayaa u diidday hantidan Rasuulkaadii iyo Nebigaadii SCW, waxuuna ahaa mid aad iga jeceshahay oo agtaadana iiga sharaf badan. waxaadna u diidday Abuu Bakar oo ahaa mid aad iga jeceshay, agtaaduna iiga sharaf badan. Markaa baad aniga isiisay, waxaan kaa magan galayaa inay noqoto siismo aad igu dhagreyso”. Kadibna si aad buu u ooyey. Kadib C/Raxmaan bin Cowf ayaa u tilmaamay inuu qeybiyo, sidii buuna Cumar sameeyey oo sidii hantidii iyo qaniimadii Qaadisiya oo kale ayuu u qeybiyey.

Cumar bin Khaddaab markii loo keenay waxyaabahii uu Kisraa isku qurxin jiray ee xulliyaadka ahaa ayuu jinjimahii Kisraa ee dahabka ahaa u dhiibay Suraaqa bin Maalik bin Jucshum. Suraaqa horey buu Rasuulka SCW ugu ballan qaaday inuu heli doono jinjimaha Kisraa ee dahabka ahi. Markiina uu Cumar u gelinayey Suraaqa jinjimaha ayuu ku yiri:” Dheh Allaahu akbar”.

Markaasuu yiri:” Allaahu akbar”.

Waxuu yiri Cumar:” Dheh mahad waxaa iska leh Allahii kasoo qaaday Kisraa bin Hurmuz ee u geliyey Suraaqa bin Maalik acraabigii reer banii Mudlaj”. Markaa buu Suraaqana sidaa yiri, markaasuu Cumarna yiri kadib markuu arkay jinjamahii oo kujiro gacantii Suraaqa:” Mahad waxaa iska leh Allahii kasoo qaaday Kisraa oo u geliyey Suraaqa bin Maalik acraabigii reer banii Mudlaj”.

Kadib Cumar waxuu yiri:” Allow! adiga ayaa u diiday hantidan Rasuulkaadii iyo nebigaadii SCW, waxuuna ahaa mid aad iga jeceshahay oo agtaadana iiga sharaf badan. waxaadna u diidday Abuu Bakar oo ahaa mid aad iga jeceshay, agtaaduna iiga sharaf badan. Markaa baad aniga isiisay, waxaan kaa magan galayaa inay noqoto siismo aad igu dhagreyso”. Kadibna si aad buu u ooyey. Kadiba C/Raxmaan bin Cowf ayaa u tilmaamay inuu qeybiyo, sidii buuna Cumar sameeyey oo sidii hantidii Qaadisiya oo kale ayuu u qeybiyey.

Dhacdadii Jalowlaa

Markuu ka dhaqaaqay Kisraa Yazdajrid bin Shahryaar magaalladii Madaa’in isagoo u cararayo Jalowlaa buu dhexda sii dhigay ciidamo cawaantii reer Furus ah oo tiro badan, waxuuna madax uga dhigay amiir la oran jiray Mihraan isagiina Kisraa waxuu usii gudbay Xulwaan. Ciidamadii uu u diyaariyey inay isaga iyo Muslimiinta kala dhex galaanna waxuu uga tegay Jalowlaa, iyadoo ay ka qoteen god aad u weyn hareeraheeda, halkaasoo ay la yimideen cudud iyo cadad iyo qalab tiro badan.

Markaa buu Sacad warqad u diray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab isagoo kula socod siinayo xaaladdu siday tahay.

Cumar ibnu Al-Khaddaab waxuu soo qoray in uu Sacad dego magaallada Madaa’in oo uu xurun ka dhigto, iyo in uu madax uga dhigo wiilkii walaalkiis ee Haashim bin Cutbah ciidamo uu kudirayo raadkii Kisraa Yazdajrid, iyo in ciidanka hore ee ciidamadaas madax looga dhigo Al qacqaac bin Camr, midigtana masuul looga Sacad bin Maalik, iyo in dhanka bidixdana loo dhiibo walaalkiis Cumar bin Maalik, halka uu soo amray in ciidamada dambena madax looga dhigo Camr bin Murrah Al Juhani. Sacad bin Abuu Waqaas sidii uu amiirkii Mu’miniinta soo amray ayuu sameeyay waxuuna diray wiilkii walaalkiis Haashim Cutbah bin Abii Waqaas iyo ciidamo culus oo uu hoggaaminayo oo kudhaw 12 000, waxaana kujiray ciidankaas saadaaddii Muslimiinta iyo horwadeennaddii Muhaajiriin iyo Ansaar iyo madaxdii Carabta. Markaasina waxay ahayd bishii Safar ee sanaddan dhexdeeda goor laga faaruqay howshii Madaa’in. Ciidamadii Muslimiinta waa ay dhaqaaqeen oo way socdeen jeer ay dul degeen majuustii oo god ka qodatay Jalowlaa, markaa buuna Haashim go’doomin ku qabtay, waxaana dhacaysay inay dhowr jeer soo baxeen Majuusta oo ay dagaallameen dagaallo aan horey looga baran lana maqal. Boqorkii Kisraa ee Yazdajrid waxuu gudo galay inuu gurmad iska soo dabo diro, sidaa si lamid ahna Sacad bin Abii Waqaas wiilkii walaalkiis buu isaguna gurmad usoo dirayey marba marka ka dambeyso. Waxaa kululaaday dagaalkii iyadoo gurmadkuna uu labada dhinac iska soo daba dhacayo, oo intaa ka gadaal waxaa huray dabkii dagaalka, markaas buu Haashim bin Cutbah ciidanka ka dhex kacay oo u khudbeyay oo dadka ku booriyay dagaalka, oo uu Alle-na tala saartay. Faarisiintii waxay isku dhaarsadeen oo ay kuballameen iyagoo kudhaaranayo dabka inaysan dib dambe cararin jeer ay Muslimiinta tiiriyaan.

Maalintii dambe ee ugu darneyn, waa maalintii loo yaqaannay” Yowmul Furqaan” ama sidoo kale loo yaqannay ”Yowmul Fasli”, waxay isku waafaqen inaysan cararin majuusta , waana maaalintii ugu darreyd dagaalka. Waxaana muslimiintii lagu gaaray salaaddi duhurka oo ay tukadeen. Dabeeto buu Al qacqaac dadkii ka dhex kacay oo guubaabiyey kheyr iyo guulona uu ugu bishaareyay.

Intaas kadib buu intuu Al qacqaac kaxaystay koox kamid ah halyeeyadii Muslimiinta oo geesiyaal ah ayuu habeenkii markii la gaaray ku dhuuntay mugdiga oo uu abbaaray dhankii ciidanka Faarisiinta oo uu dabadeedna uu socday ilaa uu ka gaaray albaabkii khandaqa ( godka ). Lama dareemin oo lama ogaan Al Qacqaac illaa uu isagu ku qeyliyey ” Muslimiintiiyeey waa kan amiirkiinni oo taagan albaabkooda”. Markaas bay Faarisiintii isku dhex yaaceen, Muslimiintiina waxay usoo dhaqaaqeen dhankii Al Qacqaac. Markaas bay Faarisiintiina kala firxadeen intooda ordi kareysay oo Muslimiintiina jiha waliba ka dooxateeyeen, oo dhufeys walbana u galeen. Halkaasna waxaa looga dilay 100 kun oo meydkoodii baa meel waliba daadsanaa.

Markaas bay muslimiintii qaniimeysteen maal badan , hub, dahab, iyo fida, maalkaas oo kudhaw maalkii iyo qaniimadii laga helay Madaa’in.

Markii ay Majuustii jabeen buu Haashim bin Cutbah firxadkoodii kadaba diray Al qacqaac bin Camr. Markaasuu Al qac qaac bursaday firxadka kuwii jabay oo uu sii laaynayey, waxuuna dilay Mihraan. Feyruzaanna waxuu daa’imay inuu jabka kuwii cararay uu dhexda ka galo. Waxuu Al qac qaac ka furtay dumar iyo carruur iyo hanti tiro badan, iyo daabbadooyin aad u badan, dhammaanna waxuu u diray Haashim bin Cutbah. Haashimna waxuu u sii diray Sacad, markaasuu intuu khumuskii ka bixiyey u wada qeybiyey ciidankii Muslimiinta oo idil.

Qaniimada Jalowlaa waxay ahayd 30 000 000 sida uu xusay Shicbi, khumuskii kaliya ayaa waxuu noqday 6 000 000. Qof kastoo faras watay maalinta ciidamada Muslimiinta waxuu helay saami lamid ah intii uu ka helay Madaa’in oo lamid ah 12 000 iyo 9 daabadood. Waxaa loo xilsaaray qeybinta qaniimadaas Salmaan Al Faarisi. Kadib khumuskii qaniimada iyo daabadahii baa loo dhiibay Ziyaad bin Abii Sufyaan iyo Qudaaci bin Camr iyo Abuu Maqrin Al Aswad si ay magaalladii Madiina u geeyaan. Markii Cumar loo geeyay dhammaan hantidii qaniimada iyo daabadihii buu weydiiyey sida dagaalladaasi ay u dhaceen, markaasuu Ziyaad bin Abii Sufyaan si cad ugu sheegay dhacdooyinkii iyo siday udhaceenba. Cumar markuu maqlay faseexada Ziyaad buu ka codsaday inuu mimbarka ka khudbeeyo oo uu ka sheego dhacdooyinkii iyo siday u dhaceen isagoo ay dadku wada maqlayaan. Markaa buu Ziyaad mimbarka fuulay oo si cad u waadixiyey siday dhacdadu u dhacday iyo inta Muslimiinta kaga shahiidday iyo intay gaallada ka dileen iyo inta hanti ee ay qaniimeysteen.

Dhacdadii Xulwaan

Markii uu Haashim bin Cutbah ka faaruqay Jolowlaa buu ku degay amarkii amiirka Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab isagoo xarun ka dhiganayo, waxuuna Xulwaan u diray Al qac qaac bin Camr oo uu iyana kudiray amarkii amiirka mu’miniinta. Taasoo uu horey warqad ugu soo qoray markii uu Sacad kala hadlayey qaddiyadii Yazdajrid, waxuuna amray inuu Sacad dego Madaa’in, oo uu diro Jolowlaa Haashim bin Cutbah, markiina Haashim uu furtay Jolowlaa buu Cumar amray inuu dego Jolowlaa oo uu Xulwaan udiro Al qacqaac bin Camr.

Waa sidaase Al qac qaac bin Camr waxuu daba kacay firxadkii kuwii jabay isagoo layenayey waxii uu helo, waxuuna dilay oo kamid Mihraan oo ahaa amiirkii dhacdada Jolowlaa hoggaaminayey Faarisiinta. Fayruzaan isagu waxuu dhexda ka galay jabkii majuusta illaa ay ka dul dhaceen boqorkoodii Yazdajrid oo kusugnaa Xulwaan, waxayna u sheegeen waxii Jolowlaa ku qabsaday oo jab ahaa iyo inta qof ee laga dilay iyo weliba in amiirkoodii laga daba yimid oo qudha laga jaray, oo weli taa looga harine firxadkoodii la daba joogo. Markaa buu Yazdajrid kasii cararay Xulwaan oo uu u wareegay magaallada Rayi. Xulwaanna waxuu kusii dhaafay ciidan uu madax uga dhigay nin la oran jiray Khushru washanuum. Markii uu Al qac qaac gaaray magaalladii Xulwaan ayaa waxaa kusoo baxay Khushru washanuum oo ay ku kulmeen meel ka soo baxsan magaallada, halkaasoo ay ku dhex martay dirir aad u kulul oo Alle durtaba ku jebiyey cadawgii, Muslimiintiina lib iyo guul kusiiyey. Markaa buuna Al qac qaac galay magaalladii Xulwaan oo aysan jirin cidi ka hor taagan, Muslimiintiina way soo galeen oo ay qaniimeysteen, dumar iyo carruur badanna qafaasheen. Waxayna ku dhaqeen islaamka. Dadkii deganaa hareerahaas iyo goballada ka dhaw dhawna jisyo buu Al qac qaac ku waajibiyey iyo inay Islaamka hoos yimaadaan kadib markii uu u bandigay Islaamka oo ay diideen waxaanan ka ahayn inay bixiyaan jisyo.

Al qacqaac bin Camr halkaa ayuu ku sugnaa illaa uu Sacad bin Abuu Waqaas markii dambe ka wareegay magaalladii Madaa’in isagoo u guuray Kuufa, markaa buuna Alqac qaac dhankii Sacad aaday oo uu Kuufa degay sida inoo iman doonto hadduu Alle idmo.

Furashadaii Takriid & Muusal

Markii uu Sacad furtay Madaa’in baa waxaa soo gaartay in reer Muusal ay isugu tegeen Takriid oo ay madax ka dhigteen nin gaal ahaa oo la oran jiray Al Andhaaq. Markaa bayna ahayd markii uu Sacad warqadda u qorayey dhanka amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, warqaddaasoo ka hadleysay qaddiyadii Jolowlaa. Horey wuxuu usoo amray Cumar in Jolowlaa loo diro Haashim bin Cutbah, waxaana dhacay waxii dhacay ee aan soo xusnay oo ah dhacdooyinkii Jolowlaa iyo Xulwaan. Sidoo kale warqaddaasi waxay markaasi ka hadleysay oo ku xusnaa qaddiyadii reer Muusal. Isla warqaddii uu Cumar jawaab ahaanta ugu diray dhanka Sacad ayaa waxuu sidoo kale kaga soo hadlay qaddiyadda reer Muusal, waxuuna soo amray Sacad inuu u diyaariyo ciidan la dagaallankooda (reer Muusal) iyo in ciidamadaas uu madax uga dhigo C/llaahi bin Al Mactam iyo in ciidankiisa hore uu madax uga dhigo Ribciy bin Al Afkal Al Canazi. Ciidamada midigta waxuu soo amray in madax looga dhigo Al Xaarith bin Xassaan Al Duhali. Ciidamada bidixdana waxuu soo amray in madax looga dhigo Furaat bin Xayaan Al Cajali, ciidamada dambe waxuu u dhiibay Hannaay bin Qeys, kuwa fardooleyduna waxuu u xil saaray Curfajah bin Harthamah.

Markaa buu C/llaahi bin Mactam kala dhaqaaqay 5000 oo ciidan ah magaalladii Madaa’in isagoo kusii jeedo dhanka Takriit iyo gaalkii Al Andhaaq. Waxuu socday afar casho dabeetana waxuu dul degay Takriit. Al Andhaaq waxuu isu soo aruuriyey jamac Ruumaan ah iyo Carabtii Nasaareyda ee halkaas daganayd oo ay kamid ahaayeen banii Taqlab, Iyaad iyo Nimar, iyagoo hareeraha magaallada ka qotay god weyn oo dhufeys ah. Markii uu C/llaahi bin Mactam soo gaaray buu go’doomin ku qabtay, waxuuna ku haayey 40 casho oo labaatan iyo afar kamid ahi ay gaaladu usoo baxeen (si ay Muslimiinta ula dagaallamaan), iyadoo mar waliba laga adkaanayey 24kaas casho oo mar waliba waalaga guuleysanayey, jamacooduna wuu jabayey oo wax aanan daciifnimo iyo itaal darri ahaynna kamaysan qaadeyn. Markaa bay Ruumaankii damceen inay doomankooda kula baxsadaan waxii hanti ay lahaayeen iyo nafahooda. Markaa buu Cabdullaahi bin Mactam u cid diray Carabtii Nasaareyda ee halkaa kusugneyd isagoo ugu yeerayo inay ka qayb qaataan difaaca iyo guusha dhulka. Markaa bay iyagiina ka yeeleen oo ay usoo cid direen. Misna mar kale buu u cid diray isagoo ku oranayo:” Hadday taasi run idinka tahay, qira inuusan jirin Alle (la caabbudo) oo aan ka ahayn Allah, iyo inuu Muxammedna SCW yahay Rasuulkii Alle, oo kuna raalli noqda waxa uu Alle agtiisa kalayimid”. Markaa bay iyana taasi usoo cid direen iyagoo wada Islaamay. Dabeeta mar kale buu u cid diray isagoo ku oranayo:” Hadday taasi run idinka tahay marka aanu takbiirsanno oo aan caawo weerarka ku qaadno inoo qabto albaabada doomaha”. Markaa bay C/llaahi bin Muctam iyo asxaabtiisi soo dhaqaaqeen oo ay takbiirsadeen sida takbiir nin qura uu mar takbiirsado, saa ay weerar culus qaadeen. Carabtiina dhanka kale ayay ka takbiirsadeen mar qura. Markaa bay Ruumaankii u carareen dhanka albaabadii webiga si ay doomanka ugu baxsadaan, hase ahaatee banii Iyaad, Taqlab iyo Nimar baa si daran u gummaadeen oo laayeen layn aad u daran. C/llaahi bin Muctam iyo ciidamadiisii dhanka kale ayay ka soo galeen oo ay laynayeen waxii ay arkaanba, cid ka badbaaddayna ma jirin marka laga reebo banii Iyaad, Taqlab iyo Nimar oo iyagu Muslimay. Intaa kadib Muslimiintii ayaa furteen Takriid, kadib markay jabeen cadawgii. Cumar bin Khaddaab waxuu horey warqaddiisa ugu soo amray in haddii la furto Takriid, loo diro Ribciyi bin Afkal dhanka Xasaneyn oo kamid ah Muusal. Markaasuu xaggeeda kudhaqaaqay siduu amiirkii Mu’miniinta soo amray, isagoo hoggaaminayo sirriyad ay la socdaan halyeeyadii ciidankii Muslimiinta ee Takriid furtay. Markiina uu dul degay Al Xasaneyn bay dadkeedii ka dalbadeen heshiis, markaasuu isaguna ku waajibiyey inay bixiyaan jizyo iyagoo dulleeysan. Intaa dabadeed waxaa la qeybiyey maalkii iyo qaniimadii laga helay Takriid kadib markii khumuskii laga saaray, waxuuna ninkii faras watay helay 3000, halka kii lugtana uu ka helay 1000.

Khumuskii qaniimada ayaa waxaa loo dhiibay Furaat bin Xayaan, bishaaradii guushana waxaa loo dhiibay Al Xaarith bin Xassaan si ay magaallada Madiina u geeyaan, imaaraddii dhulka Muusalna waxay hoostimid Ribciyi bin Afkal iyo Curfajata bin Harthama.

Furashadii Maasabadaan

Maasabadaan waxay ahayd magaallo weyn oo kamid ahayd magaallooyinkii dhulka Furus. Markii hore magaceedu waxuu ahaa ama la oran jiray Maah Sabadaan.

Markii uu Haashim bin Cutbah kasoo laabtay Jolowlaa, baa waxaa Sacad soo gaartay in Adhiin bin Hurmuzaan uu aruuriyey ciidamo Faarisiin ah si uu Muslimiinta ula dagaallamo. Markaa buu Sacad warqad u qoray Cumar bin Khaddaab isagoo arrintaas la socodsiinayo. Suu Cumar soo amray in loo diro ciidan uu madax uyahay Diraar bin Khaddaab. Markaas buu Diraar magaalladii Madaa’in ka dhaqaaqay isaga iyo ciidankiisii oo qeybtiisa hore uu madax uyahay Ibnu Huzayl Al Uzdi.

Ibnu Huzayl baa ka hor dhaqaaqay ciidamada guud, Saa waxay kulmeen ciidankii Adhiin bin Hurmuzaan ka hor intaysan soo gaarin ciidamadii Diraar, waxaana dhex maray dagaal culus oo durbo lagu jebiyey Adhiin iyo ciidamadiisii, isagiina lagu soo qabtay qafaal ahaan. Markaa buu Ibnu Huzayl amray in hortiisa unuunka loogu dheereeyo, saa kurka laga jaray. Kadib Diraar bin Khaddaab iyo ciidamadiisii waxay sii raacdeysteen firxadka kuwii jabay illaa ay magaalladii Maasabadaan oo ahayd magaalo wayn ay galeen oo ay xoog ku furteen, dadkeediina buuraha iyo keymaha ayay ku kala rooreen. Markaa buu Diraar u yeeray oo ay soo laabteen, suu jizyo kuwaajibiyey kuwoodii aanan Islaamin, isagiina halkii buu masuul ka noqday oo uu kusii sugnaa jeer uu Sacad ka wareegay magaallada Madaa’in oo uu uguuray Kuufa sida inoo iman doonto idanka Alle.

Furashadii Qirqiisiyah iyo Hayt

Markii uu iyana Haashim bin Cutbah kasoo faaruqay Jolowlaa, baa waxay dadkii Jaziiradda u gurmadeen reer Ximsa si ay ula dagaallamaan Abuu Cubeydah iyo Khaalid, markaasina boqorkooda Hiriqal waxuu kusugnaa magaallada Qinnasriin ama Andaakiyah.

Waa sidaase markaa bay dadkii Jaziiradda isugu tegeen magaallada Hayt. Markaa buu Sacad warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab asagoo xaalladaasi la socodsiinayo. Markaa buu Cumarna waxuu soo amray in loo diro ciidan uu madax uyahay Cumar bin Maalik bin Cutbah bin Nowfal bin C/manaaf Al Qurashi. Markaa buu Cumar bin Maalik la dhaqaaqay ciidamadiisii oo uu abbaaray dhanka Hayt, waxuuna tegay iyadoo ay cadawga dhufeys ka qoteen magaalladaasi, markaasuu go’doomin ku sameeyay. Mana uusan furan ee waxuu kaxaystay qayb kamid ah ciidankiisii oo dhaqaaqay. Go’doomintii Hayt-na waxuu kusii dhaafay Al Xaarith bin Yaziid, Asagiina Cumar bin Maalik waxuu aaday dhanka Qarqiisiyaa oo uu xoog ku furtay, waxayna ka dalbadeen inay bixiyaan jizyo. Markaa buu ka aqbalay. Dabeeto buu warqad u qoray masuulkiisii magaallada Hayt, isagoo ku amrayo in haddii aysan la heshiinin uu godkooda ka dul qodo god kale oo uu albaabo ugu yeelo dhankooda. Markay taasi gaartay reer Hayt bay dalbadeen heshiis iyo inay bixiyaan jizyo. Sidii ayaana lagu furtay halkaas.

Sanadkan dhexdiisa buu Cumar jideeyay in la qoro taariikhda Hijriyda oo laga billaabo hijradii Rasuulka SCW. Masuuliyiintiisii goballaduna waxay ahaayeen sidan: Shaam oo idil waxaa masuul uga ahaa Abuu Cubeydah bin Jarraax, Ciraaq oo dhammina waxaa masuul uga ahaa Sacad bin Abuu Waqaas, Dhaa’ifna waxaa masuul uga ahaa Cuthmaan bin Abul Caas, Yemanna waxaa masuul uga ahaa Yaclaa bin Umayah, Yamaamah iyo Baxreynna Al Calaa bin Xadramiyu, Cumaanna waxaa masuul uga ahaa Xudeyfah bin Muxsin, Basrana waxaa masuul uga ahaa Muqiirah bin Shucbah, Muusalna waxaa masuul uga ahaa Ribciyi bin Afkal, halka Jaziiradduna uu masuul uga ahaa Cayaad bin Qanam.

Sanadkan waxaa dadka xajiyey Cumar bin Khaddaab magaalladii Madiinana waxuu kusii dhaafay Zayd bin Thaabit.

SANADKII 17AAD

Sanadkan Billaawgiisii bishii Muxarram ayuu Sacad bin Abii Waqaas ka wareegay magaalladii Madaa’in isagoo uguuray Kuufa. Waxaanse ku xusi doonnaa sadarrada dambe marka aynu ka hadlayno dhacdooyinkii dhulka Furus ee sanadkan hadduu Alle idmo.

Immikuna aan u weecanno…

Dhacdooyinkii Dhulka Shaam Ee Sanadkan

Sanadkan dhexdiisa dhacdooyin dhowr ah ayaa dhulka Shaam ka dhacay, waxaana ka mid ahaa

 

Go’doomintay Ruumaanku Ku Sameeyeen Ximsa

Sababtu waxay ahayd in jamac Ruumaan ah ay goosteen inay weerar ku qaadaan Ximsa oo ay ku go’doomiyaan Abuu Cubaydah. Markaa bayna ka ciidan dalbadeen Ruumaanku dadkii jaziiradda iyo khalqigii agagaarkaas daganaa oo ay dabeetana soo aadeen dhankii Abuu Cubaydah. Markaa buu Abuu Cubaydah u cid diray Khaalid bin Waliid oo kusugnaa Qinnasriin si uu uyimaado, saa isagiina wuu yimid.

Intaa kadib waxuu Abuu Cubaydah warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab isagoo xaallada kula socodsiinayo. Abuu Cubeydah markaas buu ciidamadii Muslimiinta kala tashaday in uu cadawga u baxo oo uu debadda kula dagaal galo, mise inuu magaallada dhufeys ka galo jeer uu uga yimaado amarka Cumar. Markaasay dhammaan ciidankii u tilmaameen inuu magaallada dhufeys ka galo, Khaalid mooyaan oo isagu u tilmaamay in cadawga loo baxo oo banaanka magaallada lagula dagaal galo. Abuu Cubaydah wuu isaga tegay ra’yigii Khaalid, waxuuna qaatay ra’yigii Muslimiinta kale oo magaalladii ayuu dhufeys ka galay. Ruumaankii way yimideen markaasay go’doomin ku qabteen magaalladii Ximsa. Qolo kastoo kamid ah ciidamadii Muslimiinta ee kusugneyd dhulka Shaamna dhankeeda ayay u mashquulsaneed, oo haddii ay kasoo tagi lahaayeen si ay walaaladood reer Ximsa go’doominta uga qaadaan, waxaa meesha ka bixi lahaa nidaamkaa iyo dantii laga lahaa in lawada furto dhulka Shaam oo idil oo halkooda ayaa loo daba mari lahaa.

Sidaa darteed buu Cumar warqad ugu diray amiirkii ciidamada Muslimiinta ee dhulka Ciraaq – Sacad bin Abii Waqaas, isagoo ka dalbanayo in isla maalinta ay utegto warqaddaas uu dadka ku booriyo dagaalka, oo uu Al qacqaac bin Camr ku daro ciidamo kuwajahan dhanka Ximsa, si ay Abuu Cubaydah go’doominta uga saaraan. Waxuu kaloo Cumar uqoray Sacad in uu ciidan kale diyaariyo oo uu madaxa uga dhigo Cayaad bin Qanam, dabeetana uu u diro dhanka Jaziiradda kuwii iyagu usoo gurmaday Ruumaanka. Markaa bayna labadaasi ciidamo ka baxeen magaalladii Kuufa. Al qacqaac bin Camr oo hoggaaminayo 4 000 oo ciidanna waxuu abbaaray dhankii Ximsa, halka uu Cayaadna aaday dhankii Jaziiradda. Cumar bin Khaddaab qudhiisu magaalladii Madiina ayuu ka soo baxay si uu ugu gargaaro Abuu Cubaydah, waxuuna soo gaaray Jaabiyah, waxaa kaloo la sheegaa inuu gaaray Sarghi. Sidaa waxaa yiri Ibnu Isxaaq, wallaahu aclam.

Markii uu gaaray dadkii Jaziiradda ee Ruumaanka la socday in dhulkoodii ciidamo u daba mareen, bay dib ulaabteen oo ay Ruumaankii ka hareen. Dhanka kale Ruumaankiina waxay maqleen in Cumar bin Khaddaab uu soo galooti yahay oo uu uyimid inuu u gargaaro masuulkiisa Abuu Cubaydah. Waxaa kalooy maqleen in ciidamo gurmad ahna ay ka soo socdaan dhanka Ciraaq, markaa bay daciifeen oo itaal darri kudhacday. Markaa buu Khaalid u tilmaamay Abuu Cubaydah inuu weerar ku qaado, maadama ay daciifeen, saa weerar buu ku qaaday oo uu yeelay siduu Khaalid u ishaaray. Markaa buu Alle u furay Muslimiintii oo guul iyo lib halkaa kusiiyay, Ruumaankiina way jabeen jab aad u weyn.

Markaasi waxuu ahaa goor aysan ciidamadii gurmadka ee Kuufa ka soo baxay soo gaarin kahor saddex casho, Markaa buu Abuu warqad u qoray Cumar oo Jaabiyah ama Sarghi kusugan isagoo su’aalayo inay ciidamadii gurmadka kuyimid la wadaagaan wixii hanti ahaa ee cadawga laga ritay ( qaniimada ). Cumarna waxuu soo amray in lala wadaajiyo, waayo cadawgu waxuu ku jabay markay maqleen gurmadka soo galootigiisa. intaa kadib Cumar waxuu amaanay reer Kuufa isagoo kheyrna ugu duceeyay. Isagiina waxuu kulaabtay magaalladii Madiina.

Furashadii Jaziiradda

Sidaynu soo xusnay waata Jaziiradda loo diray Cayaad bin Qanam markii Al qacqaac loo dirayey dhanka Ximsa.

Sidaa darteed Cayaad bin Qanam iyo ciidamadiisii ayaa waxay ku dhaqaaqeen dhankii Jaziiradda isagoo ay la socdaan Abuu Muusa Al Ashcari, Cumar bin Sacad bin Abii Waqaas oo inan dhalinyaro oo aan howsha waxba kulahayn ah, iyo Cuthmaan bin Abul Caas. Markaa buu Cayaad dhaqaaqay oo uu sii maray Al Ruhaa, isagoo halkaa kula heshiiyey dadkii daganaa inay bixiyaan jizyo. Sidoo kale reer Xaraanna sidaa si lamid ayuu kula heshiiyey. Markaa buu Abuu Muusal Ashcari u diray dhanka Nusaybiin, Cumar bin Sacadna waxuu u diray dhanka Ra’sul Cayn, isagiina Cayaad waxuu aaday dhanka Daaraa, markaa baa dhulalkaasi oo idil lafurtay. Waxuu markaa diray Cuthmaan bin Abul Caas oo uu udiray dhanka Armeeniya, halkaasoo uu ka dhacay dagaal uu kugeeriyooday Safwaan bin Mucaddal isagoo shahiid ah. Kadib buu Cuthmaan halkaa kula heshiiyey dadkii daganaa inay bixiyaan jizyo ahlu beyd kastaaba inuu bixiyo hal Diinaar.

Sanadkan dhexdiisa ayaa Khaalid bin Waliid laga casilay magaallada Qinnasriin, kadib markii uu Ashcat bin Qeys kusiiyey 10 000 oo Dirham gabay uu utiriyey darteed.

Waxaa maxkamad lagu saaray masjidka iyadoo ay dadkii buuxaan, waxaana casiliddiisa u geeyay Bilaal bin Rabaax oo membarka masjidka Ximsa dadkii ugu khudbeeyay. Markaa buu Khaalid cududaartay, kadibna waxuu aaday magaalladii Qinnasriin oo uu uu dadkii daganaa u khudbeeyay oo sagootiyey. Markaasuu ehelkiisii la aaday dhanka Ximsa, oo uu dadkii daganaa u khudbeeyay kuna sagootiyey. Kadibna waxuu aaday magaalladii Madiina oo uu degay.

Markii uu Khaalid tegay Madiina, Cumar bin Khaddaab wuu soo dhaweeyay waxuuna ku yiri:” Illaah baan kudhaartaye agteyda waxaad ka tahay mid sharaf leh, oo waxaad agteyda ka tahay mid laga jecelyahay, hase ahaatee maanta dabadeed howl iima qabaneysid”. Goballadiina waxuu udiray warqad isagoo ku oranayo:” Ugamaanan casilin Khaalid xukunka khiyaano uu sameeyay iyo howl gaabin darteed tooni, hase ahaate waxaan ka yaabay inay dadku ku fidnoobaan, waxaana jecleystay inay (dadku) ogaadaan inuu Alle yahay ka isagu sidaa sameynayo (yacni guulaha badan waa Allaah kan sababay). Khaalid magaalladii Madiina ayuu degay jeer uu 20kii hijriyada firaashkiisii ku geeriyooday. Waxaa kaloo lasheegaa inuu kugeeriyooday magaallada Ximsa, wallaahu aclam.

Dhacdooyinkii Dhulka Furus ee Sanadkan

Horraantii sanadkan bishiisii Muxarram ayuu Sacad bin Abii Waqaas ka guurey magaalladii Madaa’in isagoo uguuray Kuufa oo iyadu sanadkan la aas-aasay. Sababtuna waxay ahayd saxaabadii baa ku xanuunsadeen Madaa’in oo midibadoodi ku baddalmeen oo jirkoodiina kudaciifay dhulkeeda oo dixsi iyo boor badnaa darteed. Markaa buu Sacad warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab isagoo xaalladaasi kula socodsiinayo. Cumarna waxuu soo amray in Muslimiinta loo sahmiyo dhul ay dagaan oo ka wanaagsan cimillada Madaa’in. Markaasuu Sacad diray Xudayfah iyo Salmaan bin Yaziid si ay Muslimiinta ugu sahmiyaan dhul ay dagaan. Markaasay dhaqaaqeen oo ay soo mareen dhulka Kuufa oo ahaa meel carro cas oo aad usoo jiidatay, jawigeeduna uu yahay mid aad uwanaagsan. Halkaasi waxay ka heleen saddex deyr oo kala ahaa Dayr Xarqah bint An Nucmaan, Dayr Ummu Camr iyo Dayr Salsalah. Waxaana dhexdooda ahaa guryo yar yar oo cush iyo qoryo kasameysnaa. Halkii midba dhan uduceystay isagoo Alle ka baryayo kheyrka dhulkaas iyo kheyrka uu yeelan doono iyo isagoo ka nabad galayo sharta dhulkaas iyo sharta uu yeelan doono. Kadib way laabteen oo khabarkii bay Sacad ugeeyeen. Markaa bay soo guuray horraantii Sanadkan isaga iyo Muslimiintii halkaa joogtayba. Markii Sacad yimid Kuufa waxii ugu horreeyay ee uu dhiso waxuu ahaa Masjidka, kadibna waxuu mixraabka agtiisa kadhisay daar laga maamulo imaaradda iyo beytul maalka. Dabeeto waxuu uyeeray nin kudheereeyo gannida gamuunka oo uu ka dalbaday in afarta jiho ee masjidka uu gamuunkiisa u gamo. Halka uu kudhaco ayuuna amray inay dadku ka dhistaan guryahooda. Markii ugu horreysay waxay guryaha kadhisteen qasab iyo geedo. Markaa bay magaalladii gubatay sanadkan dhexiida, kadibna waxay kadhisteen lebin iyo dhagax kadib markuu Cumar sidaa soo amray. Intaa kadib Kuufa waxay noqotay Xaruntii laga xukumayey dhulka Furus oo idil oo uu daganaa amiirkii ciidamada Muslimiinta ee dhulka Ciraaq, sidayba Ximsa xaruntii iyana laga xukumay dhulka Shaam oo idil oo saldhig u ahayd amiirkii ciidamada Muslimiinta ee dhulka Shaam oo idil.

Furashadii Ahwaas, Manaadir iyo Nahruteer

Hurmuzaan oo kamid ahaa Faarisiintii kasoo jabtay maalintii dagaalka Qaadisiyah ayaa gobalka Ahwaas iyo magaalooyinka hoos yimaado oo idilba ku yeeshay awood aad uweyn. Markaa baa laga soodiray labo ciidamo oo Muslimiin ah magaallooyinka Basra iyo Kuufa. Markaasay dhulkiisii ku ciriiriyeen isaga, oo ay ka qabsadeen Dajlah iyo Dujeyl inta udhaxayso, oo ay hanti badan ka qaniimeysteen, intii ay doonaan oo ciidamadiisii kamid ahna laayeen, wixii ay doonaan oo ay awood uyeeshaanna ay kafurteen kadib markay ka dileen cadad badan oo Majuus ah Falillaahil xamdu walmannaa.

Kadib Hurmuzaan ciidamadii Muslimiinta wuxuu ka dalbaday in inta ka hartay dhulkiisa ay kula heshiiyaan, markaasay Muslimiintii warqad u qoreen dhanka Cutbah bin Qazwaan oo isagu markii hore ciidamada Muslimiinta soo diray. Markaasuu Cutbah ka aqbalay oo la heshiiyey oo khumuskii qaniimada iyo bishaaradii guushana u diray dhankii Madiina iyo Cumar bin Al Khaddaab isagoo horey ugu siidhiibay Axnaf bin Qeys. Markii Axnaf uu khumuskii u geeyay Cumar, buu Cumar kartidiisa iyo caqligiisa, markaasuu warqad u diray Cutbah bin Qazwaan isagoo ku amrayo inuu Axnaf bin Qeys kaashado oo uu talo ka qaato oo ra’yigiisuna uu qiimeeyo.

Kadib Hurmuzaan mar kale buu ballantii buriyey oo heshiiskiina jebiyey. Waxuuna soo kaalmeystay koox Kurdi ah oo naftiisii kedisay, sheydaanna camalkiisaasi foosha xun buu uqurxiyey. Markaas bay Muslimiintii kubaxeen xaggiisa oo ay ka guuleysteen mar kale oo ay ka laayeey khalqi tiro badan. Waxayna ka qabsadeen dhulal aad ubadan, kadibna way sii raacdeysteen jeer uu galay magaalladii Tastur oo uu dhufeys ka galay. Markaasay Muslimiintii arrintaa warqad ugu direen Cumar iyagoo la socodsiinayo sida uu Hurmuzaan falay.

Furashadii Koowaad Ee Tustar Heshiis Ahaan

Markii la furtay suuqii weynaa ee gobalka Ahwaas oo uu furtay Xurquus bin Zuhayr buu Hurmuzaan cararay, markaasuu Xurquusna ka daba diray Jaz’a bin Mucaawiyah, amarkaasina amiirkii Mu’miniinta baa horey usoo amray. Markaa buu Jaz’a bin Mucaawiyah sii bursaday firxadkii Hurmuzaan jeer uu dul degay Raamhurmuz, halkaasoo uu Hurmuzaan dhulkeeda dhufeys ka galay. Markii uu Jaz’a ku noogay daba oradkiisa ayuu u weecday goballadii kale ee dhulkaasi oo uu wada furtay kuna waajibiyey inay bixiyaan jizyo. Markii uu Hurmuzaan arkay ciriiriga dhulkiisa lagu hayo iyo rafaadka uu kujiro iyo in goballadiisii oo idil ay Islaamka hoostageen buu mar kale ka dalbaday heshiis. Markaa buu Jaz’a bin Mucaawiyah arrintaasi warqad ugu qorey Xurquus bin Zuhayr. Xurquusna Cutbah bin Qazwaan ayuu warqad ugu siiqoray, oo Cutbana Cumar ayuu warqad usii qoray. Kadibna waxaa timid jawaabtii Cumar oo uu kula heshiinayo magaallooyinka Raamahurmuz, Tastur, Jundiisaabuur iyo magaallooyin kale. Waxuuna heshiiskaasi udhacay sidii uu amiirkii Mu’miniinta soo amray.

Duullaankii Dhulka Furus ee Dhanka Badda

Taasu waxay ahayd Calaa bin Al Xadramiyu ayaa waxuu masuul ka ahaa dhulka Baxreen waqtigii khaliifadii Rasuulka SCW ee Siddiiq Allaha ka raalli noqdee. Cumar bin Al Khaddaab baa ka casilay oo masuul uga dhigay Qudaamah bin Madcuun Al Jumaxi. Dabeeto Qudaama buu ka casilay oo markale uu ku celiyey Calaa bin Al Xadramiyu mar kale.

Haddaba markii uu Sacad furtay Qaadisiyah oo jab weynna uu Faarisiinta soo gaarsiiyey buu Calaana jecleystay inuu Faarisiinta uga duulo dhanka badda oo uu kusameeyo siduu Sacad kusameeyay oo kale. Markaa buu dadkii ku booriyey ladagaallanka reer Furus, saa dadkii baladka oo idil wada ajiibeen. Ciidamadiisii ayuu dhisay isagoo dhowr qeybood uqeybiyey. Qeyb waxuu u dhiibay Jaaruud bin Mucallaa si uu madax ugu noqdo, qeybna waxuu udhiibay Al Suwwaar bin Hammaam, qeybta kalena waxuu udhiibay Khuliid bin Mundir bin Saawi, dhammaanna ciidamadaasi oo idil waxuu madax guud uga dhigay Khuliid. Markaa bay ciidamadii Muslimiinta dhaqaaqeen oo baddii abbaareen iyagoo doonaya inay uga gooshaan dhanka Furus. Taasina wax idan ah oo ay amiirkii Mu’miniinta kaga haysteen ma aanay jirin. Dhanka Cumarna aad buu u karhayey arrintaas ah in badda lagu duulo, sidoo kale in ciidamo idin la’aan ay dhaqaaqaan buu iyana aad u dhibsan jiray, waayo Rasuulkii Alle SCW iyo Sidiiqba ma aysan sameynin falkaas iyo in ciidamada Muslimiintu ay badda kuduulaan.

Ciidamadan iyaga ahi waxay kagudbeen Baxreen oo ay ugudbeen dhulka Furus, waxayna ka baxeen magaallada Isdhaqar agteeda. Faarisiintii baa markaa daba martay oo kale dhex gashay iyaga iyo doomahoodii. Markaasuu Khuliid ka dhex istaagay ciidamadii Muslimiinta oo uu dagaalka ku booriyey kana codsaday inay Alle kaalmo weydiistaan oo ay dirirta ka run sheegaan, waxuuna usheegay in doomaha iyo dhulkuba ay yeelan doonaan ciddii adkaato. Waxuuna u dardaarmay sabirka iyo salaadda inay kaalmeystaan, waayo waa labo shey oo kuweyn dadka markalaga reebo kuwa khushuuca. Dhammaan ciidamadii Muslimiinta waxay kuqaabileen waanooyinkii amiirkooda maqal iyo adeecid iyo dhega nuglaan. Markaa buu Khuliid ciidamadii tujiyey salaaddii Duhur. Kadibna waxaa billaawday dagaalkii oo ku dhexmaray goob layiraahdo Dhaawuus. Waxaa halkaasi kudhex maray dagaal aad ukulul, markaasuu Khuliid ciidamadiisii amray inay u jilba dhigaan oo ay dagaallamaan oo ay adkeystaan. Kadibna Alle baa guul ka siiyey cadawgoodii oo waxay ka laayeen tiro aad u badan oo aysan mid lamida horey uga dilin. Markaa bay ciidamadii Muslimiinta damceen inay aaddaan dhanka Basra, hase ahaatee cadawgii ayaa doomahii ka kharraabiyey, jid ay badda umaraanna way garan waayeen. Taa waxaa ka darneyd markii reer Isdhaqar ay dariiqii ka xireen oo ay dhanwalibana ciidamo isaga keeneen oo ay Muslimiintii go’doomin xun galeen. Markii ay arrintaasi gaartay amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab, aad buu uga carooday, waxuuna u cid diray Calaa oo uu ku yiri:” U tag Sacad bin Abii Waqaas”. Markaa buu Cumar warqad u qoray Cutbah bin Qazwaan isagoo la socodsiinayo xaalladaasi qallafsan iyo in ciidamo Muslimiin ahi oo Baxreen kayimid ay dagaallo galeen, misna ay go’doomin darani ku jiraan, waxuuna ka codsaday in uu dadka kubooriyo dagaalka oo uu xaggooda ciidan udiro. Markaasuu Cutbah ka dul istaagay dadkii oo ku dul akhriyey warqaddii amiirka Mu’miniinta. Markaasay iska daba kaceen qaar kamid ah halyeeyadii Muslimiinta oo ay kamid ahaayeen Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas, Caasim bin Camr (Al qacqaac walaalkiis), Curfajah bin Harthamah, Hudayfah bin Muxsin iyo Axnaf bin Qeys iyo rag kaloo aynigooda ah. Waxuu ciidankani ahaa 12 000, dhammaanna waxaa madax looga dhigay Abuu Sabrah bin Abii Raham (oo ay dhashay Nebigu SCW eeddadiis). Markaa bay ciidamadani dhaqaaqeen iyagoo wata baqlo aad utiro badan, si ay dhaqso u tagaan ama u gaaraan halka ay u socdaan. Waxayna qaadeen jidka xeebta, iyagoo ciddii ay lakulmaanba laaynayey oo jebineyey jeer ay markii dambe gaareen goobtii uu dagaalku kudhex maray labada qolo, iyadoo Khuliid iyo ciidamadii Muslimiintu ay go’doomin darani kujiraan, cadawgiina dhan waliba isaga yimid oo ummadihii dhulalkaas oo idil ay ugu habar wacdeen. Gurmadkii cadawga wuu soo taam noqda markaa iyada ahi oo wax aan dagaal ahayni ma uusan dhinneyn. Kadib ciidamadii Abuu Sabrah iyo Faarisiintii baa is helay oo waxaa dhex maray dagaal aad u kulul oo lagu jebiyey Faarisiinta, lagagana dilay khalqi aad ufara badan, oo lagaga qaniimeystay hanti aad u culus mahadda Alle.

Kadib Abuu Sabrah iyo ciidamadiisii waxay u laabteen dhankii Cutbah bin Qazwaan. Markii ay Cutbah u taam noqotay dhul furashooyinkii hareerahaasi, buu ka dalbaday amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab inuu xajka soo guto, markaasuu Cumarna u idmay. Saa Cutbah xajkii buu aaday oo uu mawaasimta kula kulmay Cumar. Waxuuna ka dalbday inuu ka casilo howsha. Hase ahaatee Cumar waa uu diiday. Markii Cutbah ka laabanayey xajka buu Alle baryay oo ka dalbaday inuu usoo dedejiyo la kulankiisa. Markii uu xajka kasoo guddoomay baa asagoo u socda magaalladiisii si uu u guto howshiisii ayuu ku geeriyooday bartama Nakhlah kadib markii uu kasoo laabtay xajka isagoo kusii jeedo dhulka Ciraaq. Markii Cumar ay gaartay geeridii Cutbah buu aad uga murugooday, oo uu kheyr badanna ku amaanay. Kadib waxuu xilkii Basra udhiibay Al Muqiirah bin Shucbah, oo isaguna muddo yar kadib laga casilay sida inoo iman doonto. Muqiirah dabadiina waxuu Cumar Basra masuul uga dhigay Abuu Muusal Ashcari.

Furashadii Tustar Mar Kale iyo Raamhurmuz

Sababtu waxay ahayd Yazdajrid baa mar waliba ku boorinayey reer Furus inay Muslimiinta hor istaagaan oo ay la galaan dagaallo culculus. Markaasuu warqad u qoray reer Ahwaaz iyo reer Furus isagoo ku boorinayo la dagaallanka Muslimiinta. Markaa bay dhaqdhaqaaq sameeyeen oo ay iskula ballameen oo ay isku dhaarsadeen la dagaallanka Muslimiinta iyo inay marka hore aadaan Basra. Arrinta warkaas baa markaa gaartay Cumar bin Al Khaddaab, markaasuu warqad u qoray Sacad bin Abii Waqaas isagoo ku amrayo inuu gobalka Ahwaaz u diro ciidamo uu madax uyahay Nucmaan bin Muqarrin si dhaqso ah si loosoo qabto Hurmuzaan. Waxuu kaloo Cumar soo magacaabay qaar kamid ah halyeeyadii Muslimiinta ee ciidankaasi kamidka ahayd oo ay kamid ahaayeen: Jariir bin C/laahi Al Bujali, Jariir bin C/laahi Al Ximyari, Suweyd bin Muqarrin iyo C/laahi bin Diis-Sahmeyn. Ragganu waxay ahaayeen madaxdii ciidankan ee Cumar uu soo magacaabay, dhammaantooduna waxaa madax u ahaa Nucmaan bin Muqarrin.

Waxuu kaloo markaa Cumar warqad u qoray Abii Muusa Al Ashcari oo Basra masuul ka ahaa isagoo ku amrayo inuu Ahwaaz u diro ciidamo culus oo uu madax uga dhigo Suheyl bin Cadiyi, iyo in ay ciidamadaasi kamid noqdaan halyeeyada kale ah A Baraa bin Maalik, Caasim bin Camr, Majtha’ta bin Thowr, Kacab bin Thowr, Curfajah bin Harthama, Xudeyfah bin Muxsin, C/raxmaan bin Sahal iyo Al Xusayn bin Macbad. Waxuu kaloo soo amray in ciidamada Kuufa kayimid ee uu Nucmaan hoggaaminaya iyo kuwa Basra ka imanaya ee Suhayl bin Cadiyi uu wato markay isu tegaan iyo wixii gurmad oo u yimaadaba uu madax u noqdo Abuu Sabrah bin Abii Raham. Markaa bay ciidamadii Kuufiyiinta ka ambabaxeen magaalladii Kuufa iyagoo kuwii Basriyiinta ahaa uga hor maray magaalladii Raamahurmuz oo uu markaa Hurmuzaan joogay. Markaa buu Hurmuzaan kusoo saaray ciidamadiisii isagoo mar kale jebiyey ballantii uu Musliimnta horey ula galay, waxuuna keenay ciidamo aad u tiro badan. Markaasuu lasoo dhaqaaqay isagoo damacsan in Muslimiinta uu kujebiyo ka hor intaysan soo gaarin ciidamada reer Basra. Isagii iyo Nucmaan baa markaasi kulmeen oo dagaal aad kulul dhex maray, dabeena wuu jabay Hurmuzaan kadib markii laga dilay khalqi aad utiro badan, waxuuna u gudbay magaalladii Tustar isagoo ka cararay Raamahurmuz. Waxay Raamahurmuz usoo gacan gashay Nucmaan bin Muqarrin, kaasoo ahaa amiirkii hoggaaminayay ciidamada Kuufiyiinta, markaasi buuna aruurshay wixii uu ka helay oo hanti iyo hubbo ah.

Markii uu gaaray ciidamadii reer Basra warkaas iyo wixii ay Kuufiyiinta kusameeyeen Hurmuzaan iyo inuu u cararay magaallada Tustar bay iyagiina si toos ah u aadeen dhanka Tustar oo ay ka daba tegeen ciidamadii Kuufiyiinta ee iyagu raacdeysanayey Majuustii Hurmuzaan uu watay ee firxatay. Markii ay tageenna go’doomin bay kuwada qabteen, dhammaantooduna waxaa madax u noqday Abuu Sabrah bin Abii Raham siduuba amiirkii Mu’miniinta horey usoo amray. Waxay magaalladii gaareen Hurmuzaan oo ciidamo aad u faro badan soo aruuriyey, markaasuu Abuu Sabrah warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab isagoo gurmad ka dalbanayo. Markaasuu Cumar warqad u qoray Abuu Muusa Al Ashcari isagoo ku amrayo inuu naf ahaantiisa aado Tustar, suu xaggeedii aaday waxuuna madax u noqday dhammaan ciidamadii ka yimid Basra ee ahaa kuwii uu horey u watay Suhayl bin Cadiyi iyo kuwa uu isagu gurmad ahaan u layimid, guud ahaanna ciidankoo dhami Abuu Sahbrah baa kor madax uga ahaa siduuba horey usoo amray Cumar. Go’doomin aad u adag ayay ku sameeyeen ciidamadii Muslimiinta magaalladaasi Tustar. Dhowr mar ayayna isu soo baxeen oo dagaallo aad u kululi ay dhex mareen.

Al Baraa bin Maalik dagaalkani wuxuu ku dilay 100 nin mubaarizo ah, sidoo kale waxaa dagaalkan 100 nin mubaarizo ku dilay Kacab bin Thowr, Majtha’ata bin Thowr iyo Abuu Yamaamah iyo rag kaloo lamid ah oo ka tirsan ciidamadii Basriyiinta ee Basra kayimid.

Sidoo kale waxaa dagaalladan iyana wacdaro muujiyey oo min boqol nin kudilay mubaarizo qaar kamid ah ciidamdii Kuufiyiinta ee Kuufa ka yimid sida Xabiib bin Qirrah, Ribciyu Ibnu Caamir iyo Caamir bin Cabdul-Aswad. Markii ay xaaladdii darraatay oo Muslimiintiina waqtigu ku dheeraaday bay utageen Al Baraa bin Maalik oo saxaabi Jaliil ah oo ducadiisu la aqbalo ahaa, waxayna ku yiraahdeen:” Baraa’oow! inoo bari Rabbigaa si uu cadawgu inoogu jebiyo”.

Markaasuu Al Baraa yiri:” Alloow!! jebi cadawga, oo (aniguna) shahaado igu sii”.

Halkii bay Muslimiintii cadawgii ku jebiyeen Al Baraana uu ku shahiiday. Markii Muslimiintii ay jebiyeen Mushrikiinta bay orad ku galeen qalcadahoodii iyo dhufeysyadoodii, markaasay iyana ka daba tegeen oo ay ku laayeen. Markaa bay Mushrikiintii ku ciriiri noqotay magaalladii oo meel ay nafta la aadaan garan waayeen. Dabeeta nin kamid ah dadkii baladka baa Abuu Muusal Ashcari ka dalbaday magan galyo oo u yimid, suu isagiina magan galiyey. Ninkii waxuu ka codsaday Abuu Muusa Al Ashcari inuu ku daro rag aad uyaqaanno dabaasho oo maskax fiicanna leh si uu u tusiyo jid ay uga gudbaan derbiga Tustar si ay magaallada ugalaan. Markaasuu Abuu Muusal Ashcari ku daray rag karmeedyo halyeeyo ah oo uu kamid ahaa Majtha’ta bin Thowr. Ninkii inta kaxeeyay raggii ayuu mariyey waddo hoos marto dhulka oo tog biyo leh ah. Waqtiguna waxuu ahaa goor habeen ah, markaasay raggii Muslimiinta ahaa sidii ku goosheen biyahii iyagoo dabaal ku gudbayo, markaasay magaalladii galeen. Waxaa la yiraahdaa qofkii ugu horeeyay ee galo magaallada waxuu ahaa C/laahi bin Muqaffal dhanka Muslimiinta. Waxay yimideen albaabadii kadib markay toggii soo gudbeen, oo ay arkeen waardiyaashii oo ay laayeen, markaasay albaabadii fureen iyagoo takbiirsanayo yacni leh:- ALLAAHU AKBAR. Oo ay soo galeen. Ammintaasi iyada ah ee ay magaalladu galeen waxay ahayd goor salaaddii fajar ah, mana aysan tukan salaaddii fajar jeer ay cadceeddii kasoo baxday sida uu xusay iimaam Al Bukhaari oo uu kasoo weriyay Anas bin Maalik oo yiri:” Waxaan goob joog ahaa furashadii Tustar, waxayna ahayd goor salaaddii fajar ah. Markaasay dadkii ku mashquuleen furashada oo maysan tukan jeer ay cadceeddii kasoo baxday, mana ka jecli salaaddaas inay ii ahaadaan (baddalkeeda) geela kiisa cas cas”.

Hurmuzaan markii laga furtay dhulkiisa waxuu orad ku galay qalcaddiisii, markaasay sii raacdeysteen qaar kamid ah jamaacaddii iyo halyeeyadii geesiyaasha ee Muslimiinta. Markiina ay dul tegeen oo ay hor istaageen qalcaddiisii oo aysan u harin wax aanan ka ahayn in la is daro, buu Hurmuzaan yiri kadib markii uu dilay Al Baraa bin Maalik iyo Majtha’ata bin Thowr:” Waxaan haystaa jacbad ay ku jiraan boqol gamuun, mana jiro axad idinka mid ah oo xaggeyga usoo dhaqaaqi karo illaa hadday dhacdo waxaan ku gamayaa gamuun oo aan ku dilayaa. Mana iga dhacayo gammuun illaa waxuu ku dhacayaa qof idinkamid ah. Haddaba maxay markaa idiin tareysaa inaad i qafaalataan bacdamaa aan idinka dilay 100 nin? Waxay yiraahdeen:” Haddaba maxaad dooneysaa?

Waxuu yiri:” Waa inaad i magan gelisaan jeer aan gacanteyda idiin soo dhiibo, dabeetana waxaad ii direysaan Cumar bin Al Khaddaab si uu isaga iigu xukmiyo wixii uu doono”.

Markaa bay saxaabadii ka yeeleen oo uu isagiina iska dhigay gamuunkii iyo qaansadii oo ay qabteen qafaal ahaan. Dabeetana horey ayay usii kaxaysteen.

Waxay Muslimiintii dhulkani ka heleen hanti tiro badan iyo hub aad u culus. Markii khumuskii laga saaray kadib ayaana Muslimiintii loo qeybiyey.

Qofkii faras watay waxuu helay 3 000, halka kii lugtana uu helay 1000.

Furashadii Suus & Jundiisaabuur

Kadib buu Abuu Sabrah bin Abii Raham kaxaystay qaar kamid ah ciidankii oo ay lasocdaan Abuu Muusal Ashcari iyo Nucmaan bin Muqarrin iyo qaar kamid ah madaxdii ciidanka. Hurmuzaanna horey ayay usii kaxaysteen waxayna daba galeen raadka Faarisiintii jabtay oo ay eryanayeen jeer ay dul dageen Suus oo ahayd magaallo ku taallay dhulka Khowzistaan oo ay isweer ku sameeyeen. Markaa buu Abuu Sabrah warqad udiray dhankii Cumar asagoo la socodsiinaya arrinka, dabeetana waxaa timid jawaabtii Cumar uu ku amraya in Zir bin C/llaahi bin Kuleyb Al Fuqeyhiyu (waxaa kaloo la yiraahdaa Al Caqiimiy) oo saxaabi jaliil ahaa loo diro dhanka Jundiisaabuur. Kadib Abuu Sabrah waxuu diray khumuskii qaniimada iyo Hurmuzaan oo uu usii dhiibay Anas bin Maalik iyo Axnaf bin Qeys.

Markay u dhawaadeen magaalladii Madiina bay dajiyeen oo ay u xireen dharkiisii hore ee uu xiran jiray oo ka sameysnaa jowharad, diibaaj, yaaquut iyo dahab. Markaa bay galeen magaalladii oo ay ku hor mareen gurigii amiirka Mu’miniinta oo ay ahlu beydkiisa weydiiyeen. Waxaana loo sheegay inuu aaday masjidka sabab la xiriirta inuu ku qaabilo wafdi uga imanaya magaallada Kuufa. Markaasay aadeen Masjidkii hase aheetee cidna kamaysan helin. Dabeetana way soo laabteen, misna waxay arkeen carruur yaryar oo ku cayaareyso masjidka debeddiisa oo ay waydiiyeen Cumar. Waxay carruurtii usheegeen in Cumar uu jiifo masjidka isagoo huwan go’iisa. Markii ay masjidka soo galeen waxay arkeen isagoo jiifo oo huwan go’iisa. Hurmuzaan markii uu arkay ayuu dadkii su’aalay:” Oo meeyay Cumar?

Waxay ku yiraahdeen:” Waakan”

Dadkii baa markaa waxay gudo galeen inay codkooda hoos u dhigaan si aysan amiirka Mu’miniinta u toosinin.

Markaasuu Hurmuzaanna gudo galay inuu yiraahdo:” Oo aaway ilaaladiisii? Aaway waardiyaashiisi?

Waxay yiraahdeen:” Malahan wax ilaaliyaal ah iyo waardiyo toona, mana lahan wax kaatib iyo diiwaan ah toona”.

Waxuu yiri:” Way usuurowdaa inuu noqda Nebi”.

Waxay yiraahdeen:” Bal ee waxuu falaa camal Nebi”.

Dadkii baa iska soo daba batay markaasuu Cumar toosay, oo uu si saani ah fadhiga u haggaagsaday, dabeetana eegay dhanka Hurmuzaan. Markaasuu yiri:” Oo ma Hurmuzaan baa?

Waxay yiraahdeen:” Haa”.

Markaasuu indhaha ka buuxsaday isaga iyo wixii dhar uu sitay, markaasuu yiri:” Acuudu billaah.. Allaanu kamagan galayaa naar, oo Alle ayaan kaalmo weydiisanayaa”.

Kadib waxuu yiri:” Mahad idilkeed waxaa iska leh Allihii Islaamka ku dulleeyay kan iyo wixii aynigiisa ah. Kulanka Muslimiintoow! qabsada diintan oo ka hanuun dalba hanuunkii Nebigiinna, oo yaysan idinla tegin adduunyo waa kado’e”.

Wafdigii baa markaa waxay Cumar ku yiraahden:” Kani waa Hurmuzaan boqorkii Ahwaaz ee la hadal”.

Waxuu yiri:” Mayo, jeer uu soo dhigo waxa xulliyad (dhar qurxan iyo dhaldhalal ah) ee dushiisa saaran”.

Markaa bay kaxeeyeen oo ay kasoo dhigeen, waxayna usoo xireen dhar suuf ah. Markaasuu Cumar yiri:” Sidee baad u aragtaa ballan ka bixii iyo ciribta amarka Alle?

Waxuu yiri:” Cumaroow! berigii jaahilliyada Alle baa dhaxdayada isku keenna deyn jiray, markaasanu idinka adkaan jirnay markii uusan miciinna iyo maceennu toona ahayn. Markuu uu maciinna noqday baad naga adkaateen”.

Waxuu Cumar yiri:” Waxaad nooga adkaan jirteen isu teggyadiinnii iyo kala tegsanaantayadii. Misna waxuu yiri:” Maxaad u haysataa oo cududdaar ah ballankabaxaadii mar iyo mar kadib ahaa?

Waxuu yiri:” Waxaan ka cabsanayaa inaad idisho ka hor intaanan kuu warramin”.

Waxuu yiri:” Haka cabsan taasi”.

Markaasuu dalbaday in biyo loo keeno, saa waxaa loogu keenay weel godan. Markaasuu yiri:” Haddii aan oon udhimanayana ma awoodo inaan kan wax ku cabbo”. Misna weel kale oo uu ka raalli yahay ayaa loogu keenay. Markii uu biyihii qaatay bay gacmihii jareeyeen, waxuuna yiri:” Waxaan ka cabsi qabaa in la idilo anigoo biyaha cabbayo”.

Waxuu Cumar yiri:” Waxbo dhiba dushaadu maanay ahaanin jeer aad ka cabto”.

Waxuu kaloo Cumar yiri:” Ugu soo celiyo biyaha oo ha isugu darina dil iyo oone”.

Waxuu yiri:” Wax dan oo aan biyo ka leeyahay majirto, kaliya waxaan doonayey inaan magan galo”.

Waxuu yiri:” Waan ku dili”.

Waxuu yiri:” Waad imagan gelisay”.

Waxuu yiri:” Been baad sheegtay”.

Markaasuu Anas hadlay oo yiri:” Run buu sheegay amiirkii Mu’miniintoow!”.

Waxuu yiri Cumar:” Hooge! Anasoow! ma anigaa magan gelinayo qof dilay Al Baraa iyo Majtha’ata? Waxaad ii keeni doontaa jid looga baxo arrinkaas (yacni xujo cad waxa aad tiri) ama waan ku ciqaabi doonaa”.

Waxuu yiri Anas:” Waxaad ku tiri:” Wax dhiba dushaadu maanay ahaan jeer aad iiga warranto. Waxaad kaloo tiri:” Wax dhiba dushaadu maanay ahaan jeer aad kacabto”.

Markaa bay dadkii meesha joogayna sidaa si lamid ah ku yiraahdeen”.

Markaa buu Cumar dhankii Hurmuzaan u jeestay oo uu ku yiri:” Waad i qayaantay, igamana fakaneysid jeer aad Islaamtid”. Markaasuu Islaamay, waxuuna Cumar u qoray 2 000 oo lacag ah, waxuuna dejiyey magaalladii Madiina.

Waxaa la yiraahdaa:” Turjumaankii u kala turjumayey Cumar iyo Hurmuzaan waxuu ahaa Muqiirah bin Shucbah. Mar kalase waxaa u kala turjumay Zayd bin Thaabit Allaha ka raalli noqdee.

Intaa kadib Cumar bin Al Khaddaab waxuu aad u necbaa ama uu kasoo hor jeeday inay Muslimiintu kusii fogaadaan dhulalka cajamta ah ee aysan awoodin inay wado maamulaan. Hase ahaatee Axnaf bin Qeys baa u tilmaamay in boqortooyadii Furus ay jirto oo aysan ka suuleynin inay weerarro iyo dagaallo kusoo qaaddo Muslimiinta oo ay damaacida dhulalka ay Muslimiinta haystaan. Markaa bay arrintaasi Cumar aad ugu qurxanaatay oo uu u riyaaqay, waxuuna go’aansaday in dhulalka Furus oo idil lawada furto.

Aanu u laabanno furashadii Suus iyo Jundiisaabuur..

Abuu Sabrah bin Abuu Raham iyo ciidamadiisii markii ay ka faaruqeen Tustar waxay aadeen dhanka Suus sidaynu horeyba usoo xusnay, waxayna dul dageen Suus oo ay isweer ku qabteen. Kadib waxaa dhex maray dhowr dagaal oo labada dhinacba looga dilay dad aad utiro badan waqtigiina wuu ku dheeraaday. Markaasay ashraaftii baladkaasi la hadleen Muslimiintii oo ay ku yiraahdeen:” Kulanka Muslimiintoow! ha sii raacina inaad isweer kusii haysaan dhulkaan, waayo waxaanu raad haynaa sida aan ka soo werinnay dadkayagii hore ee dhulkan in dhulkani aysan furan doonin cid aanan ahayn Dijaal ama ciidan uu Dijaal la socdo”.

Waxay Culamaayi siirah isku waafaqeen in ciidamadaasi Muslimiinta ah uu la socday Saaf bin Sayaad. Markaasuu Abii Muusal Ashcari kusoo daray dadkii xisaarka ku hayey meeshan, markaasuu Saaf inta yimid albaabkii baladka ayuu lugta ku gargaraacay, dabeetana qufulladii baa jajabeen oo silsiladihiina way daateen. Markaasay Muslimiintii galeen baladkii oo ay laayeen wixii ay helaanba jeer ay dadkii meesha deganaa ku dhawaaqeen magangalyo, oo ay dalbadeen heshiis oo ay Muslimiintiina markaa ka yeeleen. Suus waxaa masuul ka ahaa Shahrayaar oo la dhashay Hurmuzaan. Waxuuna dhulkaasi ahaa dhul aad u taariikh fog. Waxaaba la sheegaa inuu ahaa baladkii ugu horreeyay ee arlada la dhigo, wallaahu aclam.

Sida uu Ibnu Jariir xusay waxaa meeshaasi laga helay qabrigii Daanyeel. Markii uu Abuu Muusa iyo Abuu Sabrah yimideen Suus, buu Abuu Sabrah usii gudbay Jundisaabuur, Suusna waxuu kusii dhaafay Abuu Muusal Ashcari, markaasay ka heleen qabrigii Daanyeel CS. Waxaa la sheegaa qofkii ugu horeeyay ee arko qabrigaasi inuu ahaa Xurquus, markaa buuna Abii Muusa warqad u qoray Cumar bin Khaddaab isagoo xaallada la socodsiinayo. Cumarna waxuu soo amray in la qodo dhowr iyo toban qabri oo mid kamid ah goor habeen ah lagu aaso si aysan dadka u ogaanin halka lagu aasay. Sidii ayuuna Abii Muusal Ashcari sameeyay oo lagu aasay Daanyeel CS.

Daanyeel waxuu ahaa Nebi kamid ahaa Nebiyadii reer banii Israa’iil. Waxuuna Rabbi ka baryey inay aasto ummadda umadaha ugu kheyr badan waa ummadda Nebi Muxammede SCW. Taariikhdiisa oo kaamil ah waxaa laga akhrisan karaa kutubbada Qisooyinka Nebiyada, sida kitaabka Ibnu Kathiir ee qisooyinkii Nebiyada.

Magaalladii Jundisaabuurna waala furtay waxaana furtay Zir bin C/llaahi bin Kuleyb, dhulkaasi oo idilna waxuu hoos yimid Islaamka iyo ehelkiisa. Iyadoo Yazdajridna uu kujiro carar iyo fiig oo magaalooyinka dhulka Furus uu midbo mid kaga sii gudbayo illaa uu aakhirkii tegay magaallada Asbahaan oo uu salka dhigtay.

Qaar kamid ah ashraaftii dadkiisa oo lasocday ayaa kasoo laabteen kadib markii ay arkeen in la furtay Tustar, waxaana ay dhamaayeen 3000 oo uu madax u ahaa nin la oran jiray Siyaah. Ragani waxay ku jireen fiig iyo carar iyagoo la socday boqorkoodii Yazdajrid jeer markii dambe Muslimiintii ay furteen magaalooyinka Isdhakhar iyo Tustar. Markaas buu Islaamku galay qalbiga Siyaah oo uu asxaabtiisa u ishaaray inaysan jirin cid hor istaagi karto nimankan Muslimiinta ah, waxa ay kusocdaanna uu yahay wax xaq ah oo aanan baadil ahayn. Markaasay raggiisii oo idil ku ayideen fikirkiisa. Dabeeta waxaa loo diray Camaar bin Yaasir si uu xagga Alle ugu yeero kadib markay Muslimiintu maqleen arrinkooda, dhammaantooduna way Islaameen. Kadib Abii Muusal Ashcari ayay warqad u direen, taasoo ay Islaamnimadooda kula socodsiinayaan, markaasuu Abuu Muusana warqad u qoray Cumar isagoo u sheegayo Islaamnimadooda. Kadib waxuu Cumar soo amray in loo qoro min 2000 oo Dirham. Lix iyaga kamid ahina waxuu uqoray 2500 Dirham in la siiyo.

Waxaa sanadkan dadka xajiyey amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab Allaha ka raalli noqdee, madaxdii goballaduna waxay ahaayeen sidii sanadkii hore marka laga reebo Basra oo Abii Muusal Ashcari uu sanadkan Masuul ka ahaa kadib markii laga casilay Muqiirah bin Shucbah.

SANADKII 18AAD

Waxaa jira aqwaal aad u faro badan oo ay culimadu qaarkood ka yiraahdeen dhacdooyinka sanadkan.

Qaarkood waxay xuseen dhacdooyin aan kusoo xusnay sanadkii hore inay dhaceen sanadkan, qaar kalena dhacdooyin inoogu iman doono sanadka 19aad ee hijiriga ayay sheegeen inay iyaguna dhaceen sanadkan. Aqwaashaasi oo idil waxaan doorbidnay sida rajaxsan inaynu ka qaadanno hadduu Alle idmo. Sidaa darteed baanan markaa usoo qaadan doonin dhacdooyin ama dagaallo ka dhacay dhulalka Furus iyo Shaam sanadkan, maadaama aan badi soo sheegnay inay dhaceen sanadkii 17aad ee kan ka horeeyay sidoo kalena aan sheegi doonno sanadka 19aad ee kan ka dambeeyo inagoo tixraaceyno aqwaasha rajaxsan hadduu Alle idmo.

Waa sidaase waxaa sanadkan dhulka Xijaas ka dhacay abaartii loo yaqiinnay. .

Abaartii Rammaadah

Waxay ahayd abaar aad iyo aad u saameysay carrigii Xijaas, waxayna ka jirtay muddo 9 bilood ah oo ay samadii noqotay qiiq madoow oo laga waayey wax roob ah. Sababta magacan Rammaadah loogu magac daray ayaa ah sidaa darteeda yacni in samadii ay madoobaato oo ay noqoto sida qiiq oo kale.

Qabaa’ilkii deganaa hareeraha magaallada Madiina dhammaantood waxay soo wada galeen magaallada oo ay naf kasoo dooneen, markaasuu Cumarna u qeybiyey wixii hanti ahaa ee beytul maalka yaallay illaa uu beytul maalkii dhammaaday. Naf ahaantiisu Cumar wuxuu iska xarrimay inuu cuno wax dufan leh jeer uu Alle ka qaado Muslimiinta abaartaas. Horey waxuu cuni jiray kibis iyo saliid, hase ahaatee markii la gaaray abaartan Rammaadah waxuu go’aansaday inuusanba cunin wax dufan leh, waxuuna cuni jiray oo quud u ahayd kibis angagan iyo milix isagoon weliba ka dhargi jirin. Waxuuna gaaray heer midibkiisii uu madoobaaday oo jirkiisii baddelmay illaa looga yaabay itaal darri.

Heerkii ay abaartu gaadhay darteed waxuushtii baa soo muhatay dadkii magaallada deganaa. Waxaa dhacaday iyadoo abaartan lagu jiro in nin uu qashay neef ari ah oo u joogay, hase ahaatee waxaa fajaciso kunoqotay markii uu neefkii ka waayeey wax dhiig iyo dhecaan toona ah. Waxuuna arkay neefkii oo lafo gaduudan oo kaliya ah.

Habeen habeennada kamid ah iyadoo lagu jiro abaartan Rammaada buu Cumar ku wareegay magaalladii Madiina sidii horeyba caadada ugu ahayd si uu u ogaado raciyadiisa iyo xaaladda ay kusuganyahiin. Waxuu arki waayey qof qosalaya iyo dad kusheekeysanayo guryahooda sidii caadada u ahaan jirtay. Ma uusanna arag qof qof kale wax su’aalayo, ama labo isla hadleysa. Markaasuu dadka wax ka weydiiyey arrintaasi. Waxaana lagu yiri:” Ammiirkii Mu’miniintoow! Su’aashu way waydiiyeen, markaasay dadka waxba helin, say iska daayeen su’aasha, dadkuna waxay kusuganyahiin hammi iyo ciriiri oo ma awoodi karayaan inay sheekeystaan oo ay qoslaan”.

Intaa kadib Bilaal bin Al Xaarith Al Muzani baa Cumar u yimid oo ka idin dalbaday dabeetana waxuu usheegay inuu yahay ergaygii Rasuulka Alle SCW, waxuuna ku yiri:” Rasuulku SCW waxuu ku leeyahay:” Waxaan kugula ballamay kiis, maadanna gaarin arrintaas ee maxaa ku helay?

Waxuu yiri Cumar:” Oo goormaad aragtay Rasuulku SCW?

Waxuu yiri:” Xalay (riyo ahaan)”

Markaa buu Cumar dadkii u khudbeeyay oo arrintii usheegay. Kadibna waxuu warqad u qoray Abii Muusa Al Ashcari oo Basra masuul ka ahaa isagoo ku amraya in ummadda Nebi Muxammed SCW la badbaadiyo. Sidoo kale sidaasi si lamid ah ayuu Camr bin Al Caasna warqad u qoray. Markaasay labaduba soo direen raashiin aad u tiro badan.

Hantidii iyo safarkii uu Camr bin Al Caas soo diray waxay kasoo gudubtay badda oo ay kasoo degtay Jiddah, dabeetana waxay ugudubtay Makka oo misna Madiina ay uga sii gudubtay. Tanna waa aathaar sixadeedu iyo senedkeedub aad usuganyahay.

Culimadi badankoodi waxay qabaan in Masar la furtay sanadkii 20aad ee Hijriyada. Caamu Ramaadana waxay dhacday baala yiraahdaa 18kii hijiriyada. Marka sidee la isku waafajinayaa Caamu Ramaadah oo dhacday sanadkii 18aad iyo Masar oo la furtay sanadkii 20aad ee Hijriyada inuu Camr bin Al Caas kasoo diro raashin iyo awr?

Abuu Macshar, Waaqidiyu iyo Ibnu Isxaaq waxay xuseen in Masar la furtay 20kii Hijriyada. Seyf bin Cumarna waxuu yiri:” Masar iyo Alaskandariya waxaa la furtay sanadkii 16aad ee Hijriyada bishii Rabiicul Awal. Sidaasi waxaa rajaxay Abul Xasan ibnu Athiir oo ku xusay kitaabka Al Kaamil. Waxuuna ku rajaxay qisadan oo uu usoo qaatay. Wallaahu aclam. Gadaal ayaanse ka xusi doonnaa furashii Masar hadduu Alle idmo.

Kadib waxaa magaalladii Madiina yimid Abuu Cubeydah bin Jarraax oo sida 4000 oo rakuub oo raashiin ah, markaasuu Cumar amray in la dajiyo oo loo qeybiyo qabaa’ilka dego Madiina iyo hareeraheeda. Kadib buu Cumar amray in Abuu Cubeydah beytul maalka laga siiyo 4000 oo Dirham, hase ahaatee wuu diiday inuu qaato, dabeetana Cumar ayaa ku qasbay jeer uu markii dambe aqblay.

Intaa kadib Cumar waxuu kaxeeyay dadkii oo dhan oo uu roob doonay isagoo kutawasulayo Nebiga SCW adeerkiis Cabbaas. Kadibna samadii baa roobeysay oo raxmad Alle baa soo degtay abaartii Rammaadana sidaa ayaa looga baxay kadib markii lagu jiray muddo sagaal bilood ah. Falillaahil xamdu wal manna.

Daacuunkii Camwaas

Daacuunkani lamagac baxay Camwaas waa daacuun ka dhacay dhulka Shaam oo ay kugeeriyoodeen khalqi aad u tiro badan oo lagu sheegay 25 000 oo qofood. Waxaa daacuunkan loogu magac daray qaryo yar oo la oran jiray Camwaas oo ku tiillay dhulka Shaam oo u dhaxayso Qudus iyo Ramallah, waana halkii ugu horeysay ee uu ka dallaaco.

Sida uu Seyf bin Cumar kasoo weriyey Shuyuukhdiisa: Daacuunkan Camwaas waxuu dhacay labo jeer oo uu u dhacay si aanan weligeed horey loo arag, wuuna raagay oo uu laayey khalqi aad u tiro badan. Markaasay cadawgii soo damaaciyeen (inay Muslimiinta kusoo duulaan), quluubtii Muslimiintuna taasi waxay kureebtay cabsi aad u daran.

Sanadkii 17aad dhammadkiisa ayuu daacuunkani ka qarxay Shaam, hase ahaatee isla sanadkas dhammadkiisiiba wuu dhammaaday sida ay qaar kamid ah Mu’arrikhiinta siirada xusaan. Sidaa darteed buu Cumar gabagabadii daacuunkan u aaday Shaam isagoo ay la socdaan rag karmeedyadii saxaabada Nebiga SCW, si uu ugu qeybiyo dhaxalka dadkii ay ehelladooda ka dhinteen, oo madaxduna uu ulasoo kulmo oo ciidamada Muslimiintuna quluubta ugu soo dhiso cadawguna rucbi iyo ar gagax ugu dhaco..

Markii uu gaaray Shaam buu la kulmay qaar kamid ah madaxdii ciidamada Muslimiinta oo ay kamid ahaayeen Abuu Cubeydah iyo Yaziid iyo rag kale oo badan. Qaar kamid ah saxaabadii akhyaarta ahayd baa Cumar kula talisay inuusan dhulka daacuunka ka dallaacay ee Shaam uusan gelinin saxaabadii Nebiga SCW. Markaa buu Cumar amray in la laabto.

Markiina uu damcay Cumar inuu laabto ayuu Abuu Cubeydah ku yiri Cumar:” Oo ma waxaad ka carareysaa qadarta Alle?

Waxuu yiri:” Haah!, waxaan ka cararayaa qadarta Alle oo aan u cararayaa qadarta Alle. Bal ka warran haddii aad xoolahaadu keentid tog dhinacna ka angagan dhinacna leh naq iyo daaq wanaagsan, haddii aad dhanka daaqa wanaagsan daajiso waxaad ku daajiday qadarta Alle, haddii aad dhanka angagan daajisana waxaad ku daajiday qadarta Alle” C/raxmaan bin Cowf oo meesha markaa howlo gaar ah kaga maqnaa ayaa yimid oo markii uu maqlay arrintaasi yiri:” Arrintaasi agteyda waxaa ka yaal cilmi, waxaan maqlay Rasuulka Alle SCW oo leh:” Haddii aad maqashaan dhul uu ka dhacay (daacuunka) ha gelina. Haddii uu ka dhaco dhul aad kusugantahiina ha ka bixina adinkoo ka cararaya”. Markaa buu Cumar aad ugu farxay iswaafaqidda ra’yigiisii iyo hadalkii Rasuulka SCW.

Misna mar kale ayuu daacuunku isagoo aan si saani ah u dhamaanin sanadkan dhexdiisa si daran u dillaacay, waana markii ay ku geeriyoodeen Abuu Cubeydah bin Al Jarraax iyo rag kale oo badan oo kamid ah saadaaddii Muslimiinta.

Markii xanuunkani uu darnaaday oo arrintaasi ay gaartay Cumar bin Khaddab, buu warqad u qoray Abuu Cubeydah bin Al Jarraax isagoo doonayo inuu ka soo saaro meesha, waayo Abuu Cubeydah martabad aad u sarreyso ayuu Islaamka u joogay, waxuuna Cumar yiri:” Nabadi ha ahaato dushaada, intaa dabadeed arrin baa igala soo kaa gudboonaatay oo danbaan kaa leeyahay. Waxaana doonayaa inaad iga shaafido oo aan kaala hadlo ee haddii ay warqaddeydan kuu timaaddo ha ka dhigin gacantaada jeer aad xaggeyga usoo boqaasho”.

Markii ay Abuu Cubaydah warqaddaasi u tegtay waxuu gartay ulajeedada Cumar iyo inuu doonayo inuu ka dhex saaro xanuunka. Markaasuu yiri:” Allaha u dembi dhaafo amiirka Mu’miniinta”. Kadibna warqad ayuu u qoray isagoo ku oranayo:” Amiirkii Mu’miniintoow! waan gartay danta aad iga leedahay, waxaana ku dhex jiraa ciidamadii Muslimiinta oo aanan ka tegi karin, mana doonayo inaan ka tego jeer uu Alle aniga iyo iyaguba arrinkiisa nagu xukmiyo ee iga daa go’aankaada amiirkii Mu’miniintoow! oo ii daa ciidankeyga (inaan dhex joogo). Markii ay warqaddii Abuu Cubeydah gaartay Cumar oo uu akhristay buu ooyey, markaasay dadkii ku yiraahdeen:- Amiirkii Mu’miniintoow! ma Abuu Cubeydah baa geeriyooday?

Waxuu ku yiri:- Mayee waxaad mooddaa inuu u dhawaaday.

Kadib warqad ayuu u qorey isagoo ku oranayo:- Nabadi ha ahaato dushaada. Intaa kadib, dadkii waxaad dejisay dhul aanan wanaagsaneen,ee u raadi dhul wanaagsan oo dhaama kaas.

Waxuu yiri Abuu Muusal Ashcari:” Markii warqaddu u timid Abuu Cubeydah buu iiyeeray oo uu igu yiri:- Abuu Muusoow! waa tan warqaddii amiirka Mu’miniinta oo ii timid sida aad u jeeddo, ee orodoo u sahmi dadka dhul ay degaan si aan kuula raro”. Markaasaan laabtay oo aan gurigeygii aaday, saa waxaan u tegay xaaskeygii oo geeriyootay. Markaasaan xaggiisii ku laabtay oo aan ku iri:” Illaah ban ku dhaartaye reerkeygii bay arrini lasoo gudboonaatay”.

Waxuu yiri:” Waxay udhowdahay inay xaaskaadii geeriyootay?

Markaasaan ku dhahay:” Haah!”.

Markaasuu dalbaday in awrkiisa loo diyaariyo. Markii uu lugta dul saaray si uu u fuulo baa isagiina la asiibay. Markaasuu yiri:” Illaah baan ku dhaartaye waala i asiibay”.

Waxaa la yiraahdaa:- Markii uu xanuunkii ku darraaday buu Abuu Cubeydah dadkii ka dhex kacay oo u khudbeeyay waxuuna yiri:” Dadoow! xanuunka kan waa raxmadda Rabbigiina iyo ducadii Nebigiina SCW iyo geeridii dadkii suubanaa ee idinka horreeyay, Abuu Cubeydana wuxuu weydiisanayaa Allaah in uu Abuu Cubeydah kasiiyo saamigiisa”. Markaasuu xanuunkii duray oo uu dhintay Allaha u naxariisto’e.

Masuuliyaddii Shaam wuxuu ku dhaafay Mucaad bin Jabal. Markaasuu Mucaadna dadkii ka dhex kacay oo uu ugu khudbeeyey sidii Abuu Cubeydah oo kale waxuuna yiri:” Mucaadna waxuu Allaah weydiisanayaa inuu reer Mucaad ka siiyo saamigooda”. Markaasaa la asiibay wiilkiisa C/raxmaan. Misna mar kale buu khudbeeyay oo uu yiri:” Mucaadna waxuu Allaah weeydiisanayaa inuu saamigiisa kasiiyo”. Markaasaa isagiina la asiibay oo uu geeriyooday. Masuuliyaddii Shaamna wuxuu Mucaad kusii dhaafay Camr bin Al Caas bin Waa’il.

Daacuunkani waxaa ku geeriyooday khalqi aad u tiro badan oo saadaaddii saxaabada kamid ah. Waxaa ku geeriyooday qaar kamid ah madaxdii goballada Shaam, sida Abuu Cubeydah oo ahaa amiirkii guud ee Shaam, Yaziid bin Abii Sufyaan oo Dimishiq masuul ka ahaa, Mucaad bin Jabal oo isaguna kamid ahaa madaxdii Shaam iyo Fadal bin Cabbaas iyo qaar kale.

Fa innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun.

Markii ay Abuu Cubeydah iyo Yaziid geeriyoodeen buu Cumar booskii Yaziid masuul uga dhigay walaalkiis Mucaawiyah bin Abii Sufyaan oo isagu madax ka ahaa illaa waa dambe.

Sanadkan dhexdiisa buu sida uu Al Waaqidi xusay Cumar u dhiibay qaaddinnimadii Kuufa Shureyx Al Qaadi, Basrana waxuu u dhiibay Kacab bin Suur. Waxaana sanadkani dadka xajiyey Cumar bin Al Khaddaab, masuuliyiintiisii goballaduna waxay ahaayeen sidii sanadkii hore, marka laga reebo Dimashiq.

SANADKII 19AAD

Al-Waaqidi iyo rag kaloo eynigiisa ah waxay yiraahdeen:- Sanadkan baala furtay Madaa’in, Jolowlaa iyo Xulwaan. Hase ahaatee sida rajaxsan horey ayaanu usoo xusnay in waqtigaan ka hor la furtay, falillaahil Xamdu.

Muxammed bin Isxaaq wuxuu yiri:- Furashadii Jaziiradda iyo Ruha, Xowraan, Ra’su Caynul wardah iyo Nusaybiin waxay ahayd sanadkan. Hase ahaatee jamaaca badan baa ku khilaaftay sidaasi, waxaanna soo xusnay in Jaziiradda la furtay sanadkan waqti ka horeeyay oo sidaas ayaana rajaxsan. Wallaahu Aclam.

Abuu Macshar, Khaliifah iyo Ibnu Kalbi waxay yiraahdeen:- Furashadii Qeysaariyah waxay ahayd sanadkan, waxaana amiir ka ahaa Mucaawiyah. Waxaa kaloo la sheegaa inuu amiir ka ahaa Yaziid, hase ahaatee horey ayaan usoo xusnay inuu Mucaawiyah furtay sanadkan ka hor labo sano. Wallaahu aclam.

Majirto dhacdo aan sanadkan soo qaadan karno aan ka ahayn aqwaasha culimada siirada sida ay ka yiraahdeen, waayo dhacdooyinkii aan sanadkan kusoo qaadan lahayn sida ay culimadaasi qaarkood kusheegeen ayaa aan dhammaantood horey usoo xusnay inagoo raacnay sida rajaxsan. Waxaa jira dhacdooyin badan oo ay culimadaasi qaarkood kusheegeen in sanadkan ay dhaceen hase ahaatee aan soo xusnay, waxaana kamid ah, Madaa’in, Jolowlaa, Xulwaan, Qeysaariyah, Jaziiradda, Ra’sul Ceyn, Nuseybiin iyo kuwa kaloo lamid ah. Sidaa darteed maadaama aan raacnay qowl kamid ah aqwaasha culimadaasi weliba kuwoodii rajaxsanaa ayaan door bideynaa inaanan soo celinin oo aanan sanadkanna ku xusin, waayo waan soo xusnay oo sidaas ayaan uga gudbeynaa idinka Alle.

SANADKII 20AAD

Ibnu Isxaaq waxuu xusay in sanadkan la furtay Masar, Al Waaqidina waxuu ku raacay in lafurtay sanadkan, waxuu kaloo yiri Aleskandariyana waxaa la furtay sanadkan. Abuu Macshar-se waxuu yiri:- Masar waxaa la furtay sanadkii 20aad, Alaskandariyana waxaa la furtay sanadkii 25aad..

Seyf bin Cumar waxuu yiri:- Masar waxaa la furtay sanadkii 16aad bishii Rabiicul- awal. Sidaasi waxaa rajaxay Abul Xasan ibnu Athiir oo ku xusay kitaabka Al Kaamil Fit- taariikh, markii uu ka hadlayey awrtii Camr bin Al Caas uu Masar kasoo diray sanadka abaartii Caamu Rammaadah. Waana mid u dhaw oo suuro gal ah siduu rajaxay Allaha u naxariisto;e. Wallaahu Aclam.

Maadama aanan horey usoo xusin furashadii Masar baa innagoo raaceyna qowlka Ibnu Isxaaq, Al Waaqidi iyo Abuu Macshar ayaan sanadkan soo qaadan doonnaa furashadii Masar iyo siday udhacday hadduu Alle idmo.

Waana tan

Furashadii Masar

Markii Cumar bin Al Khaddaab ay u taam noqotay furashii dhulka Shaam buu Camr bin Al Caas u diray Masar, waxuuna Seyf bin Cumar xusay in Camr la diray kadib markii la furtay Beytul Maqdis.

Waxuu Cumar kasoo daba diray Zubayr bin Al Cawwaam oo ay la socdaan Busr bin Ardhaah, Khaarijah bin Xudaafa iyo Cumeyr bin Wahab Al jumaxi. Waxay kula kulmeen Camr bin Al Caas albaabkii Masar. Halkaasina waxay ugu tegeen laba nin oo uu soo diray Moqowqas boqorkii Askandariya si ay Muslimiinta uga hor istaagaan inay dhulkiisa soo galaan. Labadaasi nin waxaa la kala oran jiray Abuu Maryam Jaathaliiq iyo Asqaf Abuu Miryaam, waxayna ahaayeen reer Thaabaat. Markaa buu Camr bin Al Caas asxaabtiisii ku yiri:- Ha ku deg degina jeer aan cududaar siinno si ay inoogu soo baxaan Abuu Maryam Jaathaliiq iyo Asqaf Abuu Miryaam oo ah culimadii dhulkaan. Markaasay u yimaadeen.

Markaa buu Camr bin Al Caas ku yiri labadii nin:- Waxaad tihiin labadiinnu culimadii dhulkan ee dhageysto. Alle baa Muxammed SCW la soo diray xaq, oo uu amray. Markaasuu Muxammedna SCW innaga na amray wixii la amray, wuuna inoo gudey wixii la amray kadibna wuu tegay. Waxuuna inooga tegay arrin cad. Waxyaabahii uu ina amrayna waxaa kamid ah inaan dadka cududaar siinno. Haddaba inagu waxaan idiinkugu yeereynaa Islaamka. Kii naga yeelo innaga ayuu nala mid yahay, kii aanan naga yeelinna waxaan u bandhigeynaa jizyo, waxaana taasu idinkugu badalaynaa inaan idin ilaalinno. Waxuu inoo sheegay (Rasuulkayaga SCW) inaanu idin furan doonno, waxuuna inoo kiin dardaarmay inaan idinku dhowrno riximka. Haddii aad taasu naga yeeshaan waanu idin magan gelineynaa. Waxyaabahii uu amiirkayaga nagula ballamayna waxaa kamid ah ( inuu yiri ):- U dardaarmo Qidbiyiinta wanaagga, waayo waxay leeyahiin rixim iyo magane.

Markii ay labadii nin dhageysteen hadalkii Camr bin Al Caas baa waxay yiraahdeen:- Taasi waa qaraabo fog oo aysan xiriirinin cidaanan ahayn anbiyada layaqaan ee sharafta badan. Waxay ahayd (Haajar) gabadhii boqorkayaga, waxayna kasoo jeedday reer Manf, oo boqortooyaduna dhexdooda ayay ahayd. Reer Caynu Shams baa markaasi ka adkaatay oo laayey, boqortooyadoodiina ka qaatey. Sidaa darteed bayna ku noqotay afadii Ibrahiim CS. Soo dhawaado adinkoo ehel ah. Inoo qabo muddo jeer aan kuusoo laabanno.

Waxuu yiri Camr bin Al Caas:- Anigoo kale lama khiyaano, hase ahaatee waxaan idiin qaban muddo saddex casho ah si aad u eegtaan oo qoomkiinuna ay u eegaan (arrinka). Haddayan dhicin sidaa waanu idin soo weerarin.

Waxay yiraahdeen:- Inoogu dar? Markaasuu maalin kale ugu daray. Misna waxay yiraahdeen:- Inoogu dar? Markaasuu maalin kale ugu daray. Markaas bay laabteen oo ay u tegeen Moqowqas oo uu markaasi la joogay Ardhaabuun. Markii ay boqorkii u sheegeen arrintii, baa Ardhaabuun oo la fadhiyey boqorka ayaa wuxuu u tilmaamay in la iska celiyo ciidamada Muslimiinta oo lala dagaallaamo. Sidaas ayuuna boqorkii ku raacay oo taladaasi ayay qaateen. Labadii nin madaxdoodii ayay taasi ku raaceen waxayna yiraahdeen:” Innaguna waanu idinka difaaceynaa oo kulaaban meyno”. Rag kamid ah madaxyaweyntoodii baa waxay yiraahdeen:- Oo sideed ula dagaallameysaan qoom dilay Kisraa iyo Qeysar oo dhulalkoodiina kaga adkaaday? Qab weynahii Ardhaabuun ayaa taasi ku gacan seyray madaxdii oo ku qasbay in Muslimiinta weerar lagu qaado intaysan dhammaan muddadii ay usoo qabteen labada nin. Sidii bay sameeyeen oo ay Muslimiintii weerar ku qaadeen hase ahaatee kumaysan guuleysan oo jab iyo hoog ayey ka dheefeen iyadoo laga laayey tiro aad u badan oo uu kujiray Ardhaabuun qudhiisa.

Zubayr bin Al Cawwaam waxuu maalintaasi kasoo dul booday deyrka weyn oo uu baladkii soo dhex galay isagoo laynayey wixii uu helo. Markii ay taasi ka war heleen bay albaabkii Camr bin Al Caas u ordeen oo ay ka dalbadeen in uu la heshiiyo. Zubayrna dhankiisa seyf ayuu kusoo maray jeer uu yimid albaabkii Camr bin Al Caas, halkaasoo lagu qoray heshiiskii uu Camr u qoray Qidbiyiinta.

Waxuu Camr bin Al Caas u qoray reer Masar warqad magan galyo ah isagoo u qoray in nafahooda, diintooda, maalkooda kaniisadahooda iyo saliibkooda baddooda iyo berrigooduba u ballan qaaday inaanan lagu xad gudbin. Waxuuna taasi baddalkeeda kula heshiiyey inay bixiyaan jizyo. Sidoo kale dadkii Nuubiyiinta iyo Ruumaanka ee Masar wax ka deganaa waxuu u qoray heshiis lamid ah kan reer Masar. Intaasi kadib fardooleydii Muslimiinta iyo Camr ibnu Al Caas ayaa waxay degeen goobtaa iyada ah ee uu heshiiska ka dhacay, markaasuu Camr ka dhistay teendhadiisii halkaas, ciidankii oo idilna hareerahiisa ayay ka dhisteen. Waana halka maanta ah caasimadda Masar ee Al Qaahira. Camr bin Al Caas waxuu halkaasi kadhisay jaamic weyn oo lagu tukado, kaasoo markii dambe isaga loogu magac daray. Waana jaamica weyn ee kuyaal magaallada Al Qaahira ee loo yaqaan Masjid Camr bin Al Caas.

Markii Camr bin Al Caas uu halkaa degay ayaa waxaa u yimideen labadii nin oo ay kala hadleen in loosii daayo dumarkii iyo carruurtii lagaga qafaashay macrikada. Markaasuu Camarna ka diiday inuu uceliyo waxuuna amray in la eryo oo hortiisa laga kaxeeyo labadaasi nin. Arrintaasi markay gaartay Cumar bin Al Khaddaab buu soo amray in loosii daayo wixii lagaga qafaashay muddadii shanta maalmood ee uu u qabtay, iyo kuwii aanan la dagaalin. Kuwii la dagaallamayse waxuu soo amray inuusan sii deynin oo uusan u celinin. Waxaa la yiraahdaa Cumar bin Al Khaddaab waxuu kaloo soo amray in lakala dooransiiyo wixii qafaal ah ee gacantiisa ( Camr bin Al Caas ) kujiro Islaamka iyo in loo celiyo dadkooda. Qofkii doorto Islaamka, waxuu soo amray inaanan la celinin, kii doortase in ehelladiisii loo celiyo waxuu amray in laga qaado jizyo. Markaasay qaarkood doorteen Islaamka qaar kalena ay ehalladoodii ku laabteen oo ay bixiyeen jizyo.

Kadib Camr bin Al Caas ciidamo ayuu u diray dhanka Aleskandariya oo uu madax ka ahaa Moqowqas. Moqowqas waxuu dhulkaasi masuul uga ahaa boqortooyadii Ruumaanka ee la boqno gooyey. Markiina uu Camr bin Al Caas gaaray halkaas buu Moqowqas ka war helay warkaas. Markaasuu isu soo aruuriyey waxgaradkiisii oo ku yiri:” Carabtani waxay ka adkaadeen Kisra iyo Qeysar oo ay suuliyeen boqortooyadoodii. Tabarna uma hayno ee ra’yiga agteyda ahi waxuu yahay inaan siinno jizyo”. Markaa buu Moqowqas u qoray warqad Camr bin Al Caas isagoo ku oranayo:” Waxaan jizyo siin jiray dad aan adinku idinka necbahay (Ruum iyo Furus)”. Kadibna waxuu kula heshiiyey inuu bixiyo jizyo, waxaana la sheegaa in uu 12 000 Dirham kula heshiiyey. Camr bin Al Caas waa uu ka guddoomay heshiiskii oo warqad magan gelyo ahina uqoray. Intaa kadib Camr guushii furashada iyo khumuskii qaniimada ayuu u diray dhankii amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab iyo magaalladii Madiina.

Waxaa la sheegaa in intaas kadib Camr bin Al Caas iyo Zubayr ay aadeen Caynu Shams oo ay go’doomin ku qabteen. Markaasuu Camr bin Al Caas u diray Abraha bin Sibaax dhanka Al Farmaa. Waxaa la sheegaa Aleskanderiya inuu u diray Cowf bin Maalik, oo markaasi furtay. Wallaahu aclam.

Intaasi kadib ciidamadii Muslimiinta waxay kusii duuleen dhulka Nuubah, halkaasoo ay kala kulmeen dhaawacyo aad u badan oo ay kuwaayeen indho badan, Nuubiyiinta oo si aad ah ugu dheereesey ganida gamuunka darteeda.

Waxaa la isku khilaafaa Masar ma waxaa lagu furtay heshiis ama xoog?

Waxaa la yiraahdaa: Waxaa lagu furtay heshiis, waana qowlka Yaziid bin Abii Xabiib. Waxaa kaloo layiraahdaa: Waxaa lagu furtay xoog. Waana qowlka Ibnu Cumar iyo jamaaco kale oo qeyrkiisa ah. Wallaahu aclam.

Qisadii Webiga Niil

Markii la furtay Masar ayay reer Masar u yimaadeen Camr bin Al Caas kadib markii la gaaray bil kamid ah bilihii ay tirsan jireen Cajamta. Waxayna ku yiraahdeen:” Amiiryahow! waxaan lahayn caado sanadkan haddii aanan sameynin uusan webiga soconeynin”.

Waxuu ku yiri:” Oo maxay ahayd?

Waxay yiraahdeen:” Markay labo iyo toban casho ka tegto bishan baan gabar qurux badan oo bikro ah kasoo kaxayn jirnay waalidkeeda oo aan waalidkuna siin jirnay wax ay ku raalli noqdaan. Markaasan dusheeda saari jirnay (yacni u xiri jirnay) xulliyad iyo dhar aad u qurux badan oo ah wax la xirto waxa ugu wanaagsan, saan webiga ku tuuri jirnay.

Waxuu yiri Camr bin Al Caas:- Tani waa mid aanan ku habbooneyn diinta Islaamka ah. Waayo Islaamku waxuu tiraa wixii ka horeeyay. Markaa bay iska laabteen, webigiinna sidii ay sugayeen ma iman oo waxyar iyo wax badanba midna ma dhaqaaqin. Markii ay xaaladdii ku darraatay buu Camr bin Al Caas warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab isagoo kula socodsiinayo arrintaasi. Markaasuu Cumar warqad usoo diray dhankii Camr bin Al Caas isagoo ku oranayo:- Waad asiibtay sidaad sameysay, waxaana kuusoo diray warqad ay kudhex jirto warqad kale ee ku dhex tuur webiga. Markii ay warqaddii soo gaartay Camr bin Al Caas oo uu furay si uu u akhriyo waxuu ka akhriyey sida tan:

Ka socoto Addoonkii Alle

Cumar Amiirkii Mu’miniinta.

Kusocoto webiga Niil ee reer Masar.

Intaa dabadeed: Haddii aad ahayd mid kusocda amarkiisa iyo rabitaankiisa haddaba ha socon kuumana baahinine. Haddiise aad ahayd mid kusocday amarka Allaha kaliga ah ee awoodda badan isaga ayaa kusocodsiin doono. Waxaana Alle Sarreeye weydiisaneynaa inuu kusocodsiiyo”.

Markii uu Camr bin Al Caas warqaddii akhriyey buu inta qaaday kutuurey webigii Niil. Markaasay reer Masar waabariisteen aroor Sabti ah webigii oo socdo oo biyuhu qulqulayaan. Halkaas bay ku dabar go’day caadadii foosha xumeyd ee ay reer Masar haysteen, illaa maantadanna wuu socdaa webigii Niil oo muusan istaagin. Falillaahil Xamdu..

Waxuu yiri Ibnu Jariir:” Sanadkan ayuu ku duulay Abuu Baxriyah C/llaahi bin Qeys Al Cabadiyu dhulkii Ruum. Waxuuna ahaa qofkii ugu horeeyay ee ku duulo. Wuxuu soo laabtay isagoo bad qabo soona qaniimeystay”. Waxaa kaloo la sheegaa inuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee galo dhulka Ruum Maysarah bin Masruuq Al Cabasiy. Wallaahu aclam.

Al Waaqidi wuxuu xusay in sanadkan uu Cumar bin Al Khaddaab madax uga dhigay Yamaamah iyo Baxreyn Abuu Hureyrah Ad-Dowsi Allaha ka raalli noqdee.

Sanadkan dhexdiisa buu Cumar bin Al Khaddaab u diray Xabashi soo weerartay Jiddah Calqamah bin Al Mujazir Al Mudjali. Waxuuna amray inuu uga duulo dhanka badda, hase ahaatee muusan soo laaban oo halkaas ayaa lagu asiibay. Fa innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun. Arrintaasi Cumar aad buu uga murugooday oo uu u dhibsaday. Sidaa darteed buuna dhaar kumaray inuusan ciidama Muslimiin ah dib dambe ugu dirin badda.

Waxuu Cumar sanadkan guursaday Faadimah bint Al Waliid bin Muqiirah, taasoo uu horey kaga geeriyooday Al Xaarith bin Hishaam Allaha ka raalli noqdee. Sanadkan waxaa dadka xajiyey amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab, masuuliyiintiisii goballaduna waxay ahaayeen sidoodii marka laga reebo Abuu Hureyrah oo uu sanadkan masuul uga dhigay Yamaama iyo Baxreen.

SANADKII 21AAD

Waa sanadkii ay dhacday dhacdadii

Nahaawunda

Dagaalkan Nahaawunda wuxuu ahaa dagaal weyn oo dhex maray ciidamadii Muslimiinta iyo majuustii Furus, waxuuna lahaa sha’ni weyn iyo war cajiib ah, waxayna Muslimiinta ugu magac dareen Fatxul fatuux (Furashadii furashooyinka).

Waxay yiraahdeen Ibnu Isxaaq iyo Al Waaqidi:” Waxuu dhacay dagaalkii Nahaawunda sanadkii 21aad ee Hijriyada”.

Sayf bin Cumarse wuxuu yiri:” Waxuu dhacay sanadkii 17aad ee Hijriyada”. Waxaa kaloo la sheegaa inuu dhacay 19-kii Hijriyada, sida rajaxsanse waa inuu dhacay sanadkan. Wallaahu aclam.

Sababtu waxay ahayd goor ciidamadii Muslimiinta ay wada furteen gobalkii Ahwaas iyo magaalooyin kale oo waaweyn ee kamidka ahaa magaalooyinkii Majuusta ayaa amiirkii Mu’miniinta Cumar bin Khadaab wuxuu amray asxaabtiisa inaanay ciidamada Muslimiinta kusii fogaanin dhulalka Furus ee fog fog, is gaarsiintii oo fogaatay awgeed iyo dhulkii uu Islamka ka talinaayey oo noqday dhul aad u ballaaran, waxuuna markaas Cumar is tusaayey inaysan u wada talin karin dhulalkaas fog fog. Hase ahaate waxaa arrintan kaga hor yimid Cumar koox saadaaddii Muslimiinta kamid ah oo uu kamid ahaa Axnaf bin Qays .

Waxuu Axnaf bin Qeys ku yiri Cumar:” Amiirkii Mu’miniintoow! laba qolo dhul kama wada talin karaan, kana joogi mahayaan Majuusta inay nagu soo weeraraan goobahayaga ee inoo ogolaaw inaan ka saarna majuusta dhulka Furus oo dhan”. Markaas buu Cumar ku qancay in la wada furta dhulka Furus.

Goor ay doodahaasi socdeen ayaa waxaa Cumar bin Khadaab u timid warqad kasocotay dhanka amiirkii ciidamadii Muslimiinta ee ka dagaallamayey Ciraaq Sacad bin Abii Waqaas, waxayna warqadaasi tilmaameysay in Faarisiinta ay soo uruuriyeen ciidan aysan horey mid lamid ah usoo uruurin, oo ay soo degeen goobta Nahaawunda ayna weerar kusoo yahiin dhanka Muslimiinta.

Markaa buu Cumar garwaaqsaday hadalladii uu Axnaf bin Qeys horey kula taliyey, Sacadna mar waliba waa uu la socodsiinayey xaalada halka ay mareysa oo warqado ayuu u diri jiray.

Markii dambe ayaa waxaa Sacad kasoo eed sheegtay koox kamid ahaa ciidamadii Musliinta waxayna u tegeen Cumar oo ay uga dacwoodeen Sacad, waxaana kamid ahaa waxyaabahii ay kaga soo dacwoodeen inuusanba Sacad hagaajin karin xitaa salaadda iyo inuusan si caddaalad ah wax ugu qeybinin oo uusan u xukminin.

Nin la oran jiray Al Jarraax bin Sinaan Al Usdi ayuu ahaa ninkii u hadlaayey kooxdaas arrimahaas kusoo eedeeysay Sacad, waxuuse Cumar ku yiri Al Jarraax iyo qolooyinkiisii:” Waxaa u daliil ah waxa aad sheegeysaan inay been iyo shar yahiin xaaladda imminka lagu jira iyo iyadoo uu Sacad isku diyaariyey inuu la dagaallama acdaada Allaah, mase jirta arrin diideysa inaan dhex galo arrinkiina oo aan baaro wixii ka run ah”.

Intaas kadib buu Cumar soo diray Maxamed bin Maslama oo aallaaba isaga arrimahaas dacwada iyo is qab qabsiga loo diri jiray, markii uu Maxamed magaaladii Kuufa yimidna waxuu masjidkii isugu soo kulmiyey dadkii oo uu weydiiyey inay jirta cid dacwa ka qabta Sacad bin Abii Waqaas? Balse lama uusan kulmin waxaanan kheyr ahayn cid ka sheegta Sacad bin Abii Waqaas, marka laga reebo kooxdii Al Jarraax bin Sinaan oo iyagu iska aamusay.

Dabeeto waxaa kacay nin la oran jiray Abuu Sacdah Usaama bin Qataadah oo yiri” Haddii aad Maxammadow!! ina dhaarisay, Sacad si isla eg oo caddaalad ah wax uma qeybiya, raciyaduna uma caddaalad falo mana raaco sirriyada”. Markaa buu Sacad Allaah baryey oo habaaray ninkaasi isagoo leh:” Allahayoow! haddii uu u yiri kalmaddaas istus tus iyo been iyo halagu maqla, Allahayoow! indhaha tir oo kayeel faqiir, carruurtiisana badi, kuna imtixaan fidno”.

Markaa buu ninkii indha beelay waxuuna mar dambe dhalay 10 gabdhood, mar waliboo uu maqla cod haweeneyna xaggeeda ayuu ku ordi jiray, markii la weydiiyana waxuu oran jiray” Waxaa igu dhacday inkaartii ninkii barakeysnaa ee Sacad”.

Waxaa kaloo uu Sacad habaaray Al jarraax bin Sinaan oo jirkii googo’ay maalkiina masiiba uga dhacday, sidaa si lamidna waxuu wada inkaaray dhammaan intii falkaas iyo dacwada beenta ah ka dambeysay. Illaahayna wuu ku wada riday wixii uu Sacad ku inkaaray, waayo Sacad waxuu ahaa nin Mustajaabu duca ah, Rasuulka SCW ayaana sidaa ugu duceyay.

Dabeeta waxay Sacad, Maxamed bin Maslama, Al Jarraax bin Sinaan iyo kooxdiisii tegeen magaaladii Madiina, markii ay la kulmeen Cumarna waxuu weydiiyey sida ay kusoo eedeeyeen Sacad ee uu salaadda u tukada? Waxayna yiraahdeen:” Waxuu dheereeyaa labada rakaco ee hora halka kuwa dambana uu gaabiya”.

Waxuu yiri Sacad” Dhab ahaantii anigu waxaan ahaa qofkii saddexaad ee Islaama,waxaana ahaa ninkii ugu horeeyay ee gamuun u ganay dar Alle, waxuuna Rasuulkii Alle SCW igu kulmiyey aabahiis iyo hooyadiis isagoo igu furtay ( maalintii Uxud asagoo leh:- Tuur Sacadoow! kugu furtay aabahay iyo hooyadeyba ), horeyna ugumuusan kulmin Rasuulka SCW hooyadiis iyo aabahiis oo kumuusan furan axad aniga iga horeeyay, markaas bay banii Asad yiraahdeen Sacad salaadda ma haggaajin karo”.

Waxuu yiri Cumar:” Yaad uga soo tegtay Kuufa?

Waxuuna ku jawaabay:” C/llaahi bin C/llaahi bin Citbaan”.

Markaa buu Cumar u daayey C/llaahi bin C/llaahi bin Citbaan masuul ahaan magaaladii Kuufa, waxuuna ahaa Ibnu C/llaahi bin Citbaan nin oday ah oo kamid ahaa akhyaartii saxaabada waxuuna xulufa la ahaa banii Xabliy oo Ansaarta kamid ahayd.

Sacad isaga waalaga casilay imaaradda dambi la ‘aan isagoo beri ka noqday waxyaabahii ay kusoo eedeeyeen wax makastii banii Asad. Dhanka Faarisiintii iyagu meel waliboo fog bay isaga yimaadeen oo ciidama tira badan oo uu hoggaaminayo Feyruzaan oo dhan 150 000 bay isu keeneen. Waxaa kaloo la sheegaa inuu hoggaaminayey Bandaraan ama Dul Xaajib, waxaase xaqiiqda udhaw inuu hoggaaminayey ciidamadaas Feyruzaan.

Iyagoo isdhaarsanayo Majuusta ayaa waxay isku yiraahdeen:” Maxammed kii Carab u yimid ma uusan soo haweysan boqortooyadeenna, Abuu Bakarkii ku xigayna lamid, markaa baa markii Cumarkan waqtigiisii uu dheeraaday ayuu kusoo duulay boqortooyadeennii oo uu banneystay xurmadayadii, oo uu qaatay maalkayagii, intaana kumuusan ekaane waxuu inoogu yimid oo uu inagu soo weeraray guryahayagii oo uu qaatay hantidii aqalka boqortooyadeenna, kuna joogsan mahayo intaas jeer uu idinka wada saara dhulkiina”.

Waxay isku dhaarsadeen Majuusta inaysan cararin oo waxay ku ballameen in lagu duullo Kuufa iyo Basra, Cumarna lagu mashquuliya dhulkiisa, waxayna isku dhaaranshahaas iyo ballantaas ay ku qoreen warqad si ay u adkeeyaan.

Sacad bin Abii Waqaas markii uu tegay magaaladii Madiina ayuu uga warramay amiirkii Mu’miniinta arrimihii markaas jiray oo si fiican uga shaafiyey xaalkii Majuusta iyo inay weerar culus soo wadaan .

Dhanka kale waxaa Cumar warqad usoo diray amiirkii cusbaa ee Kuufa C/laahi bin C/llaahi bin Citbaan waxuuna warqadaas usoo dhiibay Qariib bin Dhafar Al Cabadiyu,wuxuuna uga warramay halka uu xaalku maraya iyo in ciidama tira badan oo majuus ah ay isku urursadeen la dagaalanka Muslimiinta iyo inay weerar kusoo qaadaan oo ay baabi’iyaan Islaamka iyo ehelkiisa, waxuuna C/llaahi ibnu C/llaahi bin Citbaan ka dalbaday amiirka Mu’miniinta inuu u ogalaado inay ku deg degaan oo ay ka hortegaan Majuusta.

Waxuu Cumar su’aalay ergaygii warqadda siday:” Magacaa?

Waxuu yiri:” Qariib”.

Waxuu yiri:” Ina ayo?

Waxuu yiri:” Ina Dhafar”. Markaa buu Cumar isagoo macneysanaya magacaasi yiri:” Dhafrun Qariib”. Oo la macna ah guul baa soo dhaw, intuu labadii magac isdaba mariyey. Markaa buu Cumar amray in la naadiyo dadka oo reer Madiina oo idil ay masjidka isugu wada yimaadaan.

Markaas buu Muslimiintii oo idil kusoo kulmiyey masjidka. Waxaa la yiraahdaa qofkii ugu horeeyay ee masjidka maalintaa soo gala waxuu ahaa Sacad bin Abii Waqaas. Markaa buu Cumar dadkii u khudbeeyay isagoo usheegay halka ay arrintu mareysa iyo in loo baahanyahay ciidan, waxuuna wada tashi la qaatay saadaaddii saxaabada oo ay ka mid ahaayeen Sacad bin Abii Waqaas, C/raxmaan bin Cowf, Cuthmaan bin Cafaan, Cali bin Abii Dhaalib, Dhalxa bin Cubeydillaah iyo rag kale oo ahlu ra’yiga kamid ahaa. Dhammaan waxay isla garteen inuusan amiirka Mu’miniinta bixin, Madiinana aan ciidan laga dirin, hase ahaatee waxay isla fahmeen oo ay hal ra’yi kanoqdeen in la diro ciidamo gurmad ah oo ka baxa goballada.

Cuthmaan bin Cafaan baa isagu wuxuu keenay fikrad ah in ciidama laga dira Shaam iyo Yeman loona dira Ciraaq, hase ahaatee Cali bin Abii Dhaalib baa isagana fikrad kale oo Cumar qancisay keenay, waxuuna tilmaamay in ciidama aanan laga dirin Yeman iyadoo looga baqaya in ay Xabashida soo weerarta Yeman, dhanka Shaamna aanan ciidan laga dirin, waayo waxaa macquul ah buu yiri inay ciidamada Roomaniska soo weeraraan Shaam, sidaa darteed waxuu ishaaray in Kuufa iyo Basra laga kala dira ciidama gurmad ah si ay uga hor tegaan Majuustaas isasoo bahaysatay.

Cumar bin Khaddaab waxaa cajab geliyey ra’yigii Cali oo uu qaatay, waxuuna Cumar la tashan jiray mar waliba oo uu arrin goosta Al Cabbaas bin Cabdmudallib, markaa buu Al Cabbaas utegay oo uu usheegay arrinta uu goostay isagana wuu ku taageeray.

Markii uu goostay arrintaas Cumar ayaa waxuu yiri” Ii tilmaama yaan u doortaa ciidamadaas oo aan masuul uga dhigaa?

Waxaana loogu jawaabay:” Adigaa u aqoon badan amiirkii Mu’miniintoow!!”.

Markaa buu yiri ” Waxaan u magacaabi doonaa Nucmaan bin Muqarrin”.

Waxuu Nucmaan markaasi ku sugnaa Kaskar oo uu masuul ka ahaa.

Dabeeta waxuu Cumar warqad u diray amiirkii Kuufa C/llaahi bin C/llaahi bin Citbaan taasoo uu ku amrayey in uu dira ciidan uu madax uyahay Xudeyfah bin Yamaan, Basrana waxuu amray inay kasoo baxaan ciidan uu wata Abii Muusa Al ashcari, kadibana dhammaan ciidamadaas iyo ciidama uu watay Nucmaan bin Muqarrin oo iyagu Kaskar kasoo bixi doona ayuu amray Cumar inay ku kulmaan Maah oo uu ciidankaas dhami madax u noqda Nucmaan bin Muqarrin, haddii Nucmaan la dilana waxuu amray inuu amiir noqda Xudeyfah bin Yamaan, haddii Xudeyfa la dilana waxuu amray inuu amiir unoqodo Jariir bin C/llaahi Al Bujali, haddii Jariir la dilana wuxuu soo amray inuu amiir noqdo Qeys bin Makshuux, haddii Qeys la dilana waxa amiir ah hebal, iyo hebal jeer uu magacaabay 7 nin oo isaga kala dambeyneeyso haddii mid la dila si uu midkale u qabta, waxaana kamid ahaa raggaas toddobada ahi Muqiirah bin Shucbah. Waxuu Cumar qeybinta qaniimada usoo xilsaaray As-Saa’ib bin Al aqrac.

Markaa buu Xudeyfah ka dhaqaaqay magaalladii Kuufa isaga iyo ciidama uu hoggaaminayo si ay ugu biiraan ciidamada Nucmaan bin Muqarrin oo ay markaa kuballameen inay ku kulmaan goobta Maah. Markii uu Xudeyfah u tegay Nucmaan buu u dhiibay warqaddii amiirka Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khddaab, taasoo caddeyneysay qaabkii ciidankan loo dhisi lahaa.

Markii ay isu tegeen ciidamadaas is aruursaday ee Muslimiinta waxay tiradoodu noqotay 30 000 sida uu weriyey Sayf bin Cumar oo isagu kasoo weriyey Shicbi, waxaana ku jiray saadaaddii saxaabada iyo akhyaartii Carbeed. Waxaa kamid ahaa ciidamadaas C/llaahi bin Cumar bin Khadaab, Jariir bin C/laahi Al Bujali, Xudeyfah bin Yamaan, Muqiirah bin Shucbah, Nucmaan bin Muqarrin (amiirkii ciidankaas), Camr bin Macdiyakrib, Dhuleyxa bin Khuweylid Al Usdi, Suweyd bin Muqarrin, Nucaym bin Muqarrin, Qeys bin Makshuux Al Muraadi, Abii Muusa Al Ashcari, Camr bin Abii Salama iyo halyeeygii Al qacqaac bin Camr At Tamiimi oo maalintaa kamid ahaa hoggaamiyaasha ciidanka Muslimiinta.

Intaa kadib ciidamadii Muslimiinta waa ay dhaqaaqeen waxayna abbaareen dhankii Nahaawunda, waxuuna Nucmaan hortiisa diray saddex nin oo wardoonno ah. Kuwaasoo kala ahaa Dhuleyxa bin Khuweylid, Camr bin Macdiyakrib iyo Camr bin Thubayi, oo loo yaqiinnay Camr bin Abii Salama, si ay usoo ogaadaan warka qoomka iyo waxa ay ku suganyahiin. Camr bin Abii Salama iyo Camr bin Macdiyakrib way soolaabteen, hase ahaatee Dhuleyxa wuxuu tegay Nahaawunda oo uu qoomka dhex galay oo wax kasoo dhageystay, dabeetana Nucmaan buu usoo laabtay oo uu usheegay arrinta. Waxuuna usheegay in Nahaawunda iyo isaga aysan dhexdoodu ahayn wax uu dhibsado.

Waxuu Nucmaan diyaariyey ciidankiisii waxuuna ciidanka hore madax uga dhigay walaalkiis Nucaym bin Muqarrin, labada dhinacna (bidax iyo midig) waxuu u kala dhiibay Xudayfah bin Al Yamaan iyo Suweyd bin Muqarrin, ciidanka lugtana waxuu madax uga dhigay halyeygii Al qacqaac bin Camr, halka gaadada damba ee ciidankana uu u dhiibay Majaashac bin Mascuud.

Dabeeta ciidamadii Muslimiinta way dhaqaaqeen jeer ay markii dambe ka hor tegeen ciidamadii Furus oo uu hoggaaminayey nin la oran jiray Fayruzaan, waxayna ahaayeen ciidan aad u tira badan oo 150 000 ah. Kadib wuxuu Nucmaan ciidankii amray inay culeyska iska fududeeyaan oo ay teendhooyinkooda ka dhistaan Nahaawunda dusheeda, isagiina waxaa loo dhisay teendho aad uweyn oo ay u dhiseen 14 nin oo kamid ah rag karmeedyadii ciidanka, waxayna raggaasi kala ahaayeen Xudeyfah bin Al Yamaan, Cutbah bin Camr, Muqiirah bin Shucbah, Bashiir bin Khasaasiyah, Xandhalah Al Kaatib bin Al Huwbar, Ribciyi bin Caamir, Caamir bin Mudar, Jariir bin C/llaahi Al Ximyari, Jariir bin C/llaahi Al Bujali, Al Aqrac bin C/llaahi Al Ximyari, Al Ashcat bin Qeys Al Kindi, Saciid bin Qeys Al Hamdaani iyo Waa’il bin Xijir. Ma jirin teendho ka weyn markaa carrigaasi Ciraaq teendhadaas iyada ah.

Markii ay labada qolo isasoo hor fadhiisteen, waxaa huray dagaalkii, markaasuu Nucmaanna ciidamadiisii amray inay weerar ku qaadaan. Waxayna ahayd maalin Arbaco ah, oo maalintaas iyo tii ku xigtay buu dagaalku socday. Markii lagaaray maalintii Jumcada bay kufaartii qalcadahoodii ku carareen. Markaasay Muslimiintiina go’doomin ku qabteen. Markay rabaan bay soo baxayeen Majuusta oo misna ay si deg deg ah qalcadahooda ugu cararayeen.

Taa kahor markii ay isasoo hor degeen labadii ciidan oo ay indhaha isku dhufteen, ayuu Nucmaan amiirkii ciidamada Muslimiinta takbiirsaday saddex goor, markaa baa majuustii dab caabbudka ahayd dhulka la gil gishay oo rucbi iyo argagax darran qalbiga Illaahay kaga tuuray, kadibna ciidamadii Muslimiinta way kor degeen oo xisaar (isweer) ayay ka qabteen. Amiirkii ciidamada Majuusta ayaa waxuu Muslimiinta ka dalbaday in loo diro nin kamid ah Muslimiinta si uu ula hadlo. Markaasaa loodiray Muqiirah bin Shucbah oo lasoo dooday. Markii uu kasoo tegay buu Feyruzaan dadkiisii ku yiri:” Illaah baan ku dhaartaye acwarku wixii naftiisa kujiray buu idinka runsheegay”. Markiina in muddo ah la kor daganaa oo iyagiina ay dhufeysyo waaweyn ka qoteen hareerahooda xaaladdiina ay ku darraatay Muslimiinta, waxay ahayd waqti qabooba ah, markaa ayay Nucmaan bin Muqarrin iyo madaxdii kalee ciidanka qabteen shir looga tashanaya sidii lagu wajihi lahaa xaaladdan, maadaama Majuusta ay ka caajiseen oo ay ka gaabiyeen inay Muslimiinta dagaal la galaan weliba goob barxad ah.

Waxaa kacay markii hore Camr bin Abii Salama oo ciidamada halkaa kusugnaa oo idil waaga u da’ weynaa, oo hadalkii dhigay si wacanna u suubiyey. Misna waxaa kacay Camr bin Macdiyakrib oo isaguna meel wacan taabtay. Kadib waxaa hadlay Dhuleyxah bin Khuweylid Al Asdi, waxuuna yiri:” Waxaan qabaa in la diro sirriyad (ciidan yar) oo dul dego godkooda kuna huriya dagaal. Markay usoo baxaanna haka soo cararaan oo xaggeenna ha usoo rooraan. Markay iyana soo raacdeystaan oo ay innagu ina soo gaaraan, markaa waa inaan innaguna cararnaa dhammaanteen sidoo kale. Markaa iyada ahi kama ay shakinayaan jabka oo dhammaantoodba way kasoo baxayaan qalcadahooda. Markii ay kasoo wada baxaan qalcadahooda baan ku laabaneynaa oo aan la dirireynaa jeer uu Alle ka xukmiyo dhaxdeenna”.

Dadkii oo idil ra’yiga Dhuleyxa baa aad ula qurxanaaday, isagii ayayna Muslimiintii qaateen, waxuu markaa Nucmaan bin Muqarrin amray ciidamadii Al qacqaac si ay u fuliyaan howshaas iyada ah. Markaa buu Al qacqaac ciidamadiisii la dhaqaaqay oo uu dul degay qalcadahoodii, dabeetana uu dagaal ku huriyey, kadibna way soo carareen markii ay kusoo baxeen. Majuustii markay arrintaas arkeen bay yiraahdeen:” Waa iyadii waa iyadii”.

Macnaha waxay dhowrayeen in loosoo sheego sanadkaas geerida Cumar bin Khaddaab, oo waxay sugayeen in xilligaas isaga ahi uu Abuu Lu’lu’ah uu dilo Cumar. Sidaa darteed baa markay arkeen ciidamada Al qacqaac oo hal mar firxaday bay umaleeyeen in loosoo sheegay geerida Cumar oo ay Muslimiintu niyad jabeen, markaasay Majuustu yiraahdeen:” Waa iyadii waa iyadii”.

Kama aysan shakinin jabka iyo dib ugurashada Muslimiinta, waayo waxay dhowrayeen arrin kale. Siduu horey Dhulxeyah u sheegay ayayna noqotay oo way soo daba galeen. Ciidamadii Al qacqaac markay soo gaareen ciidankii weynaa ee Muslimiinta buu Nucmaanna ciidamadiisii la sii cararay, oo ay dib ugurasho sameeyeen. Majuustii indhaha la’ayd waa ay sii daba ordeen oo dhammaantood waa ay kasoo baxeen qalcadahoodii iyagoonan ku dhaafin wax dagaalyahanno ah oo albaabada u ilaaliyo. Waqtigu waxuu ahaa bartamaha maalinta oo cadceeddu ay kalabaraha samadu taagneed. Sidaa darteed buu Nucmaan jecleystay inuusan weerar ku qaadin jeer ay cadceeddu ka weecato oo nasriga Allena usoo dego siduuba sameyn jiray Rasuulka Alle SCW.

Marar badan bay Muslimiintu ku qasbeen Nucmaan inuu weerar ku qaado cadawga, hase ahaatee ma uusan falin, waayo waxuu Nucmaan ahaa nin sugnaan og. Kadib markay cadceeddu weecatay buu Nucmaan ciidankii tujiyey, dabeetana intuu raayad kasta hoos tegay buu u khudbeeyay ciidanka oo ku booriiyey sabar iyo sugnaan iyo inay ka run sheegaan goobta fara saarka. Waxuu Nucmaan usheegay Muslimiintu inuu takbiirsan doono takbiirta kowaad, waxuuna amray in markaa la noqdo diyaar, waxuu misna usheegay inuu takbiirsan doono takbiirta labaad, waxuuna amray inaysan jirin cid aanan diyaar ahayn. Waxuu usheegay in takbiirta saddexaadna ay noqon doonto weerarka ka run sheegidda. Kadib waxuu Nucmaan u laabtay goobtiisii oo uu saddex jeer takbiirsaday markaasuu bilawday dagaalku, oo seefuhuna ay is dhaafeen. Waxaana dhacay dagaal aanan horey loogu arag mid lamid ah mawaaqicdii hore oo aysan maqal kuwa wax maqlaayi mid lamida. Waxaa laga laayey Mushrikiinta teer iyo markay weecatay cadceedda illaa uu gabbalku ka dhacay oo laga gaaray gudcurka habeennaad maqtalo aad u tiro badan oo dhulkii dhan ka dhigtay dhiig lagu silqado. Heer ay daabaduhu ku silqanayeen oo waxay gaartay heer la yiri:- Amiirkii ciidanka baa faraskiisu dhiiggaasi kula silqaday oo markaasina uu kudhacay gamuun duulayo oo sidaa ku geeriyooday.

Ma jirin cid garatay geerida amiirkii ciidanka marka laga reebo walaalkiis Suweyd bin Muqarrin, waxaa kaloo la yiraahdaa walaalkiis Nuceym bin Muqarrin, markaasuu calankii u dhiibay ninkii ku xigay waa Xudeyfah bin Al Yamaane. Markaasuu Xudeyfana booskiisii ku wareejiyey walaalkiis Nuceym bin Muqarrin si uu u qariyo geerida walaalkii ku timid jeer uu arrinka dagaalka ka dhammaanayo iyo si aysanna Muslimiintu u niyad jebin.

Markii la gaaray gudcurkii habeenaad bay Mushrikiintii jaanta rogteen oo ay jabeen, Muslimiintiina waa ay sii eryadeen. Waxayna Mushrikiintu silsilado kusoo dabreen 30 000, hareerahooduna waxay ka qodeen godad. Markii ay jabeen bay godadkii iyo waaddiyadii halkaa ahaa ku daateen oo bashar badan oo kudhaw 100 000 ama in kabadan ay kaga halaagsameen marka laga reebo tirada kuwii macrikada looga laayey markay cadceeddu weecatay jeer laga gaaray gudcurkii habeenaad.

Feyruzaan oo ahaa amiirkii ciidamada Mushrikiintu isagu waxuu ka cararay goobtii macrikada oo uu dhexda ka galay jabkii kuwii la cararay. Markaa buu Nuceym daba kacay, waxuuna markii dambe hortiisa diray Alqacqaac bin Camr. Feyruzaan waxuu abbaaray dhanka Hamdaan, saa waxaa ka daba tegay Al qacqaac oo ku helay goobta Thaniyatul Hamdaan (karinta Hamdaan). Waxuu Feyruzaan dhexda kula kulmay safar bakhlo iyo dameero tiro badan ku sido malab, wayna usuuroobi weyday inuu horey usii fuulo, markaasuu lugtiisa ciirsaday oo uu buuraha korey. Al qacqaac baa inta ka daba tegay ku qoor gooyey halkaas. Maalintaas ayayna Muslimiintii yiraahdeen:” Alle waxuu leeyahay junuud malab ah”. Waxay Muslimiintii qaniimeysteen malabkii ay bakhlahaasi iyo dameeruhu sideen. Waxaana meeshaa iyada ahi loo bixiyey Thaniyatul Casal (Karintii Malabka). Intaa dabadeed Al qacqaac waxuu sii eryaday jabkii kuwii cararay jeer ay orad ku galeed Hamdaan, markaasuu dul degay oo uu go’doomin kuqabtay. Dabeeto ninkii masuulka ka ahaa oo la oran jiray Khushrushanuum baa usoo degay oo ka dalbaday heshiis, halkaas ayuuna kula heshiiyey. Kadibna Al qacqaac bin Camr waxuu ulaabtay dhankii Xudeyfah bin Yamaan oo uu u tegay iyagoo galay Nahaawunda kadib dhacdada oo ay xoog ku furteen. Waxay ciidamadii Muslimiintu soo uruuriyeen hantidii halkaa laga helay hub iyo maalba, waxayna u dhiibeen ninkii masuulka ka ahaa qaniimada As- Saa’ib bin Al Aqrac. Markii ay reer Maah maqleen warka reer Hamdaan bay iyana usoo cid dirsadeen dhankii Xudeyfa bin Yamaan si ay ula heshiiyaan oo ay magan galyo uga qaataan.

Waxaa Xudeyfah u yimid nin la oran jiray Hirnad ama Hirbad oo Majuusta u qaabilsanaa dhanka dab hurinta maadaama ay ahaayeen kuwa dab caabbud ah. Waxuu ninkani keenay keyd aad ufara badan oo uu lahaa Kisraa, waxuuna ka dalbaday Xudeyfah inuu siiyo magan galyo oo uu la heshiiyo. Markaa buu Xudeyfah siiyey magangalyo iyo heshiis, markaasuu ninkii keenay sanduuq ay ka buuxdo jowharad aad u qaali ah oo tiro badan. Muslimiintii waxay isla garteen in loo diro dhanka Cumar bin Al Khaddaab si uu isagu u meel mariyo sanduuqaasi jowharadda ah. Waxaana loo dhiibay ninkii masuulka ka ahaa qaniimada. Taa kahor waxuu Xudeyfa diray Dhariif bin Saham oo uu u dhiibay bishaaradii guusha si uu ugaarsiiyo amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab. Kadib Xudeyfah waxuu qeybiyey qaniimadii oo uu ciidankii oo idil u qeybiyey.

Ammaa amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab isagu har iyo habeenba waxuu usoo jeeday duco iyo salaad isagoo u duceynayey ciidamada Muslimiinta inuu Illaahay ka siiyo guul cadawgooda oo uu uga hiiliyo. Waxaa sugnaaday in nin Muslimiinta kamid ah uu maalin ka baxay magaallada Madiina, markaasuu waxuu arkay nin raakib ah oo meel shisha kasoo bidhaamayo. Ninkii ayuu ka hor tegay oo uu weydiiyey:” Xaggee baad ka timid?

Waxuu Raakibkii ku jawaabay:” Waxaan ka imid Nahaawunda”.

Waxuu ninkii yiri:” Bal ka warran dadkii?

Waxuu yiri:” Alle baa u furay, amiirkiina waala dilay, Muslimiintiina waxay qaniimeysteen qaniimo aad u farabadan oo kii faras watay uu helay 6000, ka lugtana uu helay 2000”.

Kadib wuu iska tegay, kii reer Madiinana waxuu aaday magaalladiisii oo uu dadkii uga warramay arrinkaas. Warkii baa faafay jeer uu markii dambe gaaray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab. Markaasuu Cumar ninkii weydiiyey cidda uga warrantay warkaas?

Waxuu ninkii yiri:” Nin raakib ah baa iiga warramay”.

Waxuu yiri:” Iimuusan iman, wax kale maahee ninkaasu waa jin, la yiraahdo Cutheym”.

Kadib waxaa yimid Dhariif bin Saham oo layimid bishaaradii guusha, wax kale oo bishaarada guusha ahaynna ma uusan sidin. Markaasuu Cumar su’aalay dadka Muslimiinta laga dilay. Hase ahaatee Dhariif arrintaasi wax ogaansho ah umuusan haynin. Kadib waxaa yimid kooxdii sidday khumuska qaniimada iyo dumarkii iyo carruurtii qafaalka ahayd, kuwaasoo uu hoggaaminayey Assaa’ib bin Al Aqrac. Markaa buu Cumar wax ka weydiiyey dadkii laga dilay ciidanka Muslimiinta. Markii loo sheegay geerida Nucmaan bin Muqarrin buu amiirkii Mu’miniinta ooyey. Waxuu weydiiyey cidda lala dilay Nucmaan, markaasuu Assaa’ib yiri:” Waxaa lala dilay hebal iyo hebal iyo hebal”. Isagoo magacaabada raggii caanka ahaa ee ka tirsanaa geesiyaasha Muslimiinta. Markii amiirkii Mu’miniinta loo sheego nin kamid ah dadkii ku shahiiday dagaalka Nahaawunda, kaasoo uusan garaneyn buu gudagaleyay inuu ooyo isagoo leh:” Maxay ka tareysaa inuusan garaneyn amiirka Mu’miniinta? Hase ahaatee Alle baa garanayo oo ku sharfay shahaado. Maxay ku falayaan garashada Cumar? Kadib waxuu Cumar amray qaybinta khumuskii qaniimada sidiiba caadada u ahayd. Sanduuqii jowharadda ahaa waxaa loo qaaday gurigii Cumar. Ergadii siddayna way iska laabteen. Markii uu waabariistay Cumar oo uu sanduuqa arkay buu amray in loo yeero ergadii sidday. Hase ahaatee kal hore ayay baxeen. Markaa buu bariid ka daba diray si loo soo celiyo. Ergaygii bariidka siday muusan gaarin jeer ergadii ay ka galaan magaalladii Kuufa. Markii Assaa’ib uu arrumiyey awrkiisa magaalladii Kuufa buu ninkii bariidka siday ka daba tegey oo ku yiri:” Amiirka Mu’miniinta baa kuu yeerayo”.

Waxuu Assaa’ib yiri:” Oo maxaa jira?

Waxuu yiri:” Garan maayo”. Markaa buu Assaa’ib iyo ninkiiba ay dib ugu laabteen magaalladii Madiina. Markii uu Assaa’ib utegay Cumar buu Cumar yiri:” Oo maxaa ina kala haysto aniga iyo ina Umu Assaa’ib? Bal’ee maxaa Ina Umu Assaa’ib iyo aniga na kala haysta?

Waxuu yiri:” Assaa’ib:” Oo waa maxay taasi amiirkii Mu’miniintoow!!?

Waxuu Cumar u sheegay in uu qaado sanduuqa oo uu iibiyo kadibna uu u qeybiyo Muslimiinta, isagoo weliba ku canaantay keenidda uu keenay guriga amiirka Mu’miniinta. Intaa dabadeed Assaa’ib sanduuqii buu qaaday waxuuna geeyay magaalladii Kuufa, markaasay tujaartii oo idil kusoo heenteen. Waxaana ka iibsaday Camr bin Al Xureyth Al Makhzuumi oo ka siistay 2 000 000. Kadibna Muslimiintii ayaa loo qeybiyey. Camr bin Al Xureyth intuu qaaday buu la aaday dhulalka Cajamta oo uu soo siistay 4 000 000. Reer Kuufa waxay markaa kadib noqdeen dadkii ugu hantida badnaa Muslimiintii goballada.

Waxaa la soo weriyaa Abuu Lu’lu’ah Feyruuz oo adeega u ahaa Muqiirah bin Shucbah baa markii dumarkii iyo carruurtii laga soo qafaashay Nahaawunda la keenay magaallada Madiina oo uu Abuu Lu’lu’ah la kulmo kuray yar oo kamid ah carruurta lasoo qafaashay buu inta madaxa u salaaxo oranayey:” Cumar waxuu cunay beerkeygii”.

Waxay cullimadda siirada yiraahdaan:” Dhacdo dambe oo tan lamid ah kama aysan dhicin carrigii Majuusto, Cumarna waxuu amray in halyeeyadii Muslimiinta ee dagaalkan wacdarada kamuujiyey la siiyo min 2000 Dirham.

Furashadii Asbahaan

Sidoo kale sanadkan dhexdiisa bay Muslimiintii furteen markii ay Nahaawunda furteen ka gadaal kadib magaallada Jay’ oo ah magaallada Asbahaan kadib markii uu ka dhacay dagaal aad u daran iyo amuur aad udheer. Markaa bay Muslimiintu kula heshiiyeen magaallada. Markaasuu C/llaahi bin C/llaahi ibn Citbaan warqad magan galyo iyo heshiis ah u qoray. 30 kamid ah dadkii magaallada baa ka carareen Muslimiinta oo u carareen dhanka Karmaan, kuwaasoo aanan la heshiinin Muslimiinta.

Waxaa la yiraahdaa ninkii furtay Asbahaan waxuu ahaa Nucmaan bin Muqarrin, ayada ayaana lagu dilay, amiirka majuustuna waxuu ahaa Dul Xaajib. Waxuu ka dhacay faraskiisa markaasay calooshu dallaacday, sidaa ayuuna ku geeriyooday, markaasay asxaabtiisii jabeen.

Sida saxda ah oo xaqiiqda u dhaw culamaayi siirana ay rajaxeen ayaa waxay tahay in ninkii Asbahaan furtay uu ahaa C/llaahi bin C/llaahi ibn Citbaan. Masuulkii magaallada Kuufa.

Sanadkan dhexdiisa buu Abuu Muusal Ashcari furtay Qum iyo Qaashaan. Suheyl bin Cadiyina uu furtay magaallada Karmaan.

Ibnu Jariir iyo Waaqidina waxay xuseen in Camr bin Al Caas iyo ciidama uu hoggaaminayo ay sanadkaan aadeen dhanka Dharaabulis, halkaasoo uu Camr ku furtay heshiis 13 000 Diinaar sanad waliba.

Sanadkan dhexdiisa buuna Camr bin Al Caas u diray Cuqbah bin Naafic dhanka Zuweylah oo uu heshiis ku furtay. Barqa iyo Zuweylah inta u dhaxeysana waxay noqotay dhul nabad gelyo ah oo Musliimta gacantooda kujira.

Sanadkan dhexdiisa buu Cumar masuul uga dhigay magaallada Kuufa Cammaar bin Yaasir kadib markuu ka casilay Ziyaad bin Xandhalah, kaasoo uu usii dhiibay C/llaahi bin C/llaahi ibnu Citbaan kadib markii laga casilay. Waxuuna Cumar qaadinnimada Kuufa u dhiibay C/llaahi ibn Mascuud. Markaa bay reer Kuufa kasoo eed sheegteey Cammaar, markaasuu isagiina Cammaar ka dalbaday Cumar inuu ka casilo howsha, saa laga casilay. Waxuuna Cumar udhiibay magaallada Kuufa Jubeyr bin Mudcin. Isla durba sanadkan dhexdiisa buu Jubeyr ka qaaday oo uu u dhiibay Muqiirah bin Shucbah oo masuul ka ahaa illaa uu Cumar ka geeriyooday. Waxaa sanadkan dadka xajiyey amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, magaallada Madiinana waxuu kusii dhaafay Zayd bin Thaabit. Madaxdiisii goballadu waxay ahaayeen sidii sanadkii hore marka laga reebo magaallada Kuufa.

SANADKII 22AAD

Waxaa dhacay fatuuxaad dhowr ah sanadkan dhexdiisa, waxaana kamid ah furashadii Hamdaan mar kale, furashadii Rayi iyo wixii ka dambeeyay iyo kadib furashadii Adarbiijaan.

Waaqidi iyo Abuu Macshar waxay yiraahdeen:” Waxay ahayd (Adarbiijaan) xilligii la furtay sanadkii 22aad ee hijriyada”.

Muslimiintii markii ay ka faaruqeen Nahaawunda oo ay dhaceen dagaalladii aynu soo xusnay, la furtayna Xulwaan iyo Hamdaan bay reer Hamdaan intaa dabadeed buriyeen ballantii ay heshiiska kula galeen Al qacqaac bin Camr. Markaa buu Cumar warqad u qorey Nuceym bin Muqarrin, taasoo uu ku amrayo inuu aado dhanka Hamdaan iyo in ciidamadiisa hore uu madax uga dhigo walaalkiis Suweyd bin Muqarrin, labada dhinacna uu ukala dhiibo Ribciyi bin Caamir Al Daa’iyu iyo Muhallahal bin Zayd Al Tamiimi.

Markaa buu Nucaym dhaqaaqay jeer uu dul degay Thaniyatul Casal. Dabeeto waxuu go’doomin ku qabtay dhulkii Hamdaan, markaasay dalbadeen heshiis oo uu la heshiiyey oo uu magaalladiina galay. Goor uu kusuganyahay baladka oo ay la joogaan 12 000 oo ciidankiisii ah bay Ruumaankii, Deylamiyiintii iyo reer Rayi iyo reer Adarbiijaan warqado isu qorteen, waxayna isku raaceen la dagaallanka Nucaym bin Muqarrin iyagoo aad u tiro badan. Daylam waxaa madax u ahaa boqorkooda oo la oran jiray Mowtaa, reer Rayi-na waxaa madax u ahaa Abuu Farrukhaan, reer Aderbiijaanna waxaa madax u ahaa Isfandiyaad oo la dhashay Rustum.

Markaa buu Nucaym markuu ka war helay kula dhaqaaqay xaggooda ciidamadii Muslimiinta, waxayna ku kulmeen goob la yiraahdo Waaj Al Ruud, waxaana ka dhacay meeshaasi dagaal aad iyo aad u daran oo kudhaw kii Nahaawunda. Waxaa Mushrikiinta maalintaa laga dilay jamac aad u tiro badan oo aanan lasoo koobi karin, boqorkii Daylam-na ee Mowtaa goobtaas baa isana lagu dilay. Markay bay cududdii cadawga jabtay oo ay kala fiigeen. Waxuu ahaa Nucaym bin Muqarrin qofkii ugu horreeyay ee asagoo hoggaaminaya Muslimiinta la dagaallamo Daylam.

Intaa dabadeed waxuu Nucaym diray khumuskii qaniimada oo uu udhiibay saddex kamid ah imaraadii ciidanka, kuwaasoo la sheegay inay kala ahaayeen Simmaak bin Kharash, Simmaak bin Cubayd iyo Simmaak bin Makhramah. Markii ay Cumar u tegeen ayuu su’aalay magacooda? Markaasay iyana usheegeen. Suu Cumar yiri:” Allaahuma amsik bihim Al Islaam, (Yacni Alloow Islaamka ku adkee)”. Kadib buu Cumar warqad u qoray Nucaym isagoo ku amrayo in uu Hamdaan masuul ku dhaafo oo isaguna uu aado dhanka Rayi.

Furashadii Rayi

Waxuu Nucaym ku dhaafay Hamdaan Yaziid bin Qeys Al Hamdaani, isagiina waxuu aaday dhanka Rayi isagoo fulinayo amarkii amiirka Mu’miniinta Allaha ka raalli noqdee, waxuuna halkaa kula kulmay ciidama Mushrikiin ah oo aad u tiro badan. Waxaana ku dhexmaray dagaal daran goobta buurta Rayi adgeeda, halkaasoo ciidamadii Muslimiinta ay maalintaa muujiyeen adkeysi iyo sugnaan aad xad dhaaf u ah. Kadib waa ay jabeen cadawgii, waxuuna Nucaym ka laayey maqtalo aad utiro badan, isagoo ka furtay hanti farabadan qaniimo ahaan, taasoo kudhaw tii ay Muslimiintu ka heleen Madaa’in. Kadib buu Nucaym heshiis kula galay Rayi ninkii masuulka ka ahaa oo la oran jiray Abuu Farkhaan, waxuuna taasi ugu qoray warqad magan galyo ah. Kadibna Nucaym bishaaradii guusha iyo khumuskii buu udiray dhanka amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab.

 

Furashadii Quumus

Markay bishaaradii guusha iyo khumuska qaniimadii ee Rayi ay gaareen amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab Illaahay haka raalli noqdee, buu warqad u qorey Nucaym bin Muqarrin, taasoo uu ku amrayo in uu diro walaalkiis Suweyd bin Muqarrin oo uu u diro dhanka Quumus. Markaa buu Suweyd ku dhaqaaqay dhanka Quumus oo uu si nabad galyo ah ku furtay isagoo aysan wax dhib ahi ka hor iman, halkaa ayuuna ciidamadiisii dejiyey. Waxuuna dadkii halkaa deganaa u qoray warqad magangalyo iyo heshiis ah.

Furashadii Jurjaan

Markii uu Suweyd ciidamadiisii dejiyey Quumus, baa dadkii agagaarkaasi deganaa oo ay kamid ahaayeen reer Jurjaan, Dhabaristaan iyo kuwa kaloo qeyrkooda ah ay usoo cid dirsadeen iyagoo ka dalbanayo inuu kula heshiiyo inay bixiyaan jizyo oo uu magangalyo iyo hishiis u qoro. Markaasuu dhammaan u qoray warqad magan galyo iyo heshiis ah oo uu sidaa kula heshiiyey inay jizyo bixiyaan.

Waxuu Xusay Madaa’ini in Jurjaan la furtay sanadkii 30aad ee hijriyada, waqtigii Cusmaan bin Caffaan. Wallaahu aclam.

Furashadii Aderbijaan

Markii uu Nucaym furtay Hamdaan, baa intuusan Rayi u dhaqaaqin waxuu diray Bukeyr bin Cabdillaahi Al Leythi oo uu ka diray Hamdaan, waxuuna u diray dhanka Aderbiijaan. Waxuu kadaba diray Simmaak bin Kharash.

Waxay Bukeyr iyo asxaabtiisii la kulmeen Isfandiyaad ibnu Farakhzaad oo ahaa ninkii madaxda ka ahaa Aderbiijaan ka hor intuusan soo gaarin Simmaak. Markaasaa waxaa dhex maray dagaal uu Alle ku jebiyey Mushrikiintii, Bukeyrna uu kusoo qafaashay Isfandiyaad.

Markaasuu ku yiri:” Ma waxaad jeceshay heshiis ama dagaal?

Waxuu yiri:” Bal’ee heshiis”.

Markaasuu ku yiri:” Haddaba iga gunnud”. Markaasuu ka guntay. Markaa buu Bukeyr guda galay inuu dhulkaasi qeyb qeyb u furto, Cutbah bin Farqad qudhiisu dhanka kale ayuu qeyb qeyb uga soo furanayey dhulalkaas oo uu dhul furashadu ka waday. Kadib waxaa timid warqaddii Cumar. Taasoo uu ku amrayo in Bukeyr uu aado dhanka Baab, booskiisuna uu ku sii dhaafo Simmaak si uu masuul uga sii ahaado Cutbah oo dhulka Aderbiijaan oo idil uu markaa Cumar madax uga soo dhigay. Markaa buu Bukayr Isfandiyaad u dhiibay Cutbah, suu isagiina kudhaqaaqay dhanka Baab siduuba soo amray amiirkii Mu’miniinta.

Markay u taam noqotay furashadii dhulka Aderbiijaan bay Cutbah iyo Bukeyr, bishaaradii guusha iyo khumuskii u direen dhankii amiirka Mu’miniinta, dadkii dhulkaa deganaana ay warqad magangalyo iyo heshiis ah u qoreen.

Furashadii Baab

Sanadkan dhexdiisa buu Cumar warqad u qoray Suraaqa bin Camr oo lagu laqibo Din Nuur, si uu ugu duulo dhanka Baab, waxuuna soo amray in ciidankiisa hore uu madax uga dhigo C/Raxmaan bin Rabiicah oo isaguna laqabkiisu yahay Din Nuur, waxaa kaloo la yiraahdaa Din Nuun. Labada dhinac ee ciidankaasi mid kamid ah waxuu soo amray in madax looga dhigo Xudeyfah bin Usayd, halka dhinaca kalena uu soo amray in madax looga dhigo Bukeyr bin C/laahi Al leythi oo isagu meesha kusii horeeyay. Qeybinta qaniimada waxaa loo xilsaaray Salmaan bin Rabiicah.

Markaa bay dhaqaaqeen siduuba soo amray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab. Markii ciidamadii hore ee uu hoggaaminayey C/Raxmaan bin Rabiica ay gaareen boqorkii halkaa oo la oran jiray Shaharbaraaz boqorkii Armeeniya, baa C/Raxmaan warqad usoo qorey, waxuuna ka dalbaday magan galyo, markaasuu siiyey magan. Markaa buu boqorkii u yimid C/Raxmaan oo uu ka codsaday inuu la heshiiyo oo heshiis uu uga gunto Muslimiinta. Markaasuu C/Raxmaan ku yiri:” Waxaa jiro nin aniga iga sarreeyo ee uteg”. Markaasuu u tegay Suraaqa bin Camr oo uu weydiistay magan galyo iyo heshiis. Markaasuu Suraaqana ka yeelay oo siiyey magan iyo heshiis. Kadib buu arrintaasi u qorey amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, Cumarna wuu kaga raalli noqday wixii magan iyo heshiis ah ee uu la galay. Kadib waxuu Suraaqa diray Bukeyr bin C/llaahi, Xabiib bin Maslam, Xudeyfah bin Usayd iyo Salmaan bin Rabiicah, oo uu u diray dadkii deganaa buuraha ku hareereysan Armeeniya, buuraha kala ah Al- Laan, Tafliis iyo Mowqaan. Bukeyr waxuu furtay Mowqaan, waxuuna u qorey warqad magan galyo ah dadkii halkaasi deganaa. Amiirkii ciidamada Muslimiinta ee Suraaqa bin Camr-na goobtaas ayuu ku geeriyooday, waxaana dabadii xilkiisii qabtay C/Raxmaan bin Rabiicah. Cumar bin Al Khaddaab markay gaartay geerida Suraaqa wuu ka murugooday wuuna u duceeyay, una raxmad dalbay. Markii uu maqlay in dabadii uu xilkii qabtay C/Raxmaan bin Rabiica buu kaga raalli noqday, waxuuna amray inuu ku duulo dhulka Turkiga.

Duullaaankii Ugu Horreeyay Ee Turkiga

Markay C/Raxmaan u timid warqaddii amiirka Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, taasoo uu ku amrayey inuu ku duullo Turkiga buu ku dhaqaaqay dhankii Turkiga jeer uu gooyey Baab isagoo fulinayo amarkii amiirka Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab. Dabeeto waxaa la kulmay Shaharbaraaz oo ku yiri:” Xaggee baad ku jeeddaa?

Waxuu yiri:” Waxaan doonayaa boqorka Turkiga ee kusugan Balanjar”. Markaasuu Shaharbaraaz usheegay inaysan jirin wax dhanka Baab ka dambeeyo. Hase ahaatee C/Raxmaan ayaa ugu jawaabay:” Illaahay baa xaggayaga usoo diray Rasuul, waxuuna nalagu ballamay carrabkiisa guul iyo gacansarreyn, innaguna kamaanan suulin inaanu ahaanno kuwa guuleysto”. Markaa buu dhulkii Turkiga ku duullay oo uu gaaray dhulka Balanjar. Intaa kadib waxay dhacdooyinkii waa weynaa ee Turkigu dhaceen waqtigii Cuthmaan bin Caffaan Allaha ka raalli noqdee.

Qisadii Yazdajrid Bin Shahrayaar

Markii uu Sacad kala wareegay wixii gacantiisa ku jiray iyo magaalladii boqortooyadiisa, iyo saldhiggii saldanadiisa, waatuu Xulwaan u cararay, kadibna ay Muslimiintii kadaba yimideen, markaasuu Xulwaan uga sii wareegay Rayi. Markaa waxaa dhacday in Xulwaanna ay kala wareegeen ciidamadii Muslimiinta. Dabeeta waxaa looga daba tegay Rayi, markaasuu u wareegay Asbahaan, oo Rayi-na ay la wareegeen Muslimiinta. Kadib waxay uga daba tegeen Asbahaan, markaasuu usii cararay Karmaan. Dabeeto Muslimiintii baa ka daba tegtay oo Asbahaan iyo Karmaanba ka furteen. Markaasuu u guuray dhulka Khuraazaan oo uu degay, Sidooy tahay dabkii uu caabbudi jiray kamuusan harin oo wuu la socday, meel ama goob iyo waa’ uu degaba waa ay u hurinayeen oo uu caabbudayey. Waxuu saarnaa awr loo dul dhigay howdaj uu dhex jiifanayey. Waxaa dhacday goor uu dhex jiifo howdajkiisa bay toosiyeen, markaasuu aad uga carooday oo uu caayey. Waxuuna ku yiri:” Waxaad ii diiddeen inaan ogaado muddada u hartay kuwan ee ay ku sugnaanayaan dhulkan iyo dhulalka kalee qeyrkiis ah. Waxaan riyo ku arkay Muxammed (SCW) oo kan ah oo jooga agta Rabbigiisa, markaasuu (Rabbi) ku yiri:” Boqortooyaddiinnu waa 100 sano”.

Waxuu yiri:” Iigu dar”.

Markaasuu ugu daray oo uu) ku yiri:” Waa 110 sano”.

Markaasuu yiri:” Iigu dar”.

Markaasuu (ugu daray oo uu) ku yiri:” Waa 120 sano”.

Waxuu yiri:” Iigu dar”.

Markaasuu ku yiri:” Adigaa leh”.

Waxuu yiri Yazdajrid isagoo sii hadlayo:” Markaas baad i toosideen, haddii aad iska kaydeyn lahaydeenna waxaan ogaan lahaa muddada umaddan”.

Waqtigii khilaafadii Cuthmaan ayaa la dilay boqorkii, oo khaatuma xumo ayuu ku dhintay. ayadoo nin reer miyi ah uu kurka ka jaray.

Duullaankii Khuraazaan

Taasu waxay ahayd in Axnaf bin Qeys uu u ishaaray Cumar in Muslimiintu ay isku waasiciyaan dhulalka oo ay furtaan dhulalka Cajamta, oo ay ciriiri geliyaan Yazdajrid. Waaba tii uu markaa Yazdajrid gudo galay inuu dadkiisa ku booriyo la dagaallanka Muslimiinta sidaynu soo xusnay.

Markaa buu Cumar u ogolaaday inay ciidamada Muslimiinta isku waasiciyaan arlada, waxuuna amray in Axnaf bin Qeys uu ku duulo dhulka Khuraazaan oo uu kula dagaallamo Yazdajrid. Markaa buu Axnaf galay Khuraazaan oo uu ka furtay Harraah isagoo ku furtay xoog, waxuuna ku dhaafay Suxaar bin Filaan Al Cabdiyu, dabeetana waxuu aaday dhanka Marwi Shahjaan oo uu markaa kusugnaa Yazdajrid. Waxuu markaa Axnaf diray hortiisa Madhrif bin C/llaahi bin Shukheyr oo uu udiray dhanka Naysaabuur, Xaarith bin Xasaanna waxuu u diray dhanka Sarkhas.

Markii uu Axnaf u dhawaaday Marwi Shahjaan buu Yazdajrid ka guuray oo uu u wareegay dhanka Marwi Ruud, markaasuu Axnaf furtay Marwi Shahjaan oo uu degay.

Markii uu Yazdajrid degay Marwi Ruud oo ahayd caasimaddii Khuraazaan buu warqad u dirsaday boqorkii Turkiga ee Khaakhaan isagoo gurmad weydiisanayo. Sidoo kale waxuu warqad u dirsaday boqorkii Safad isagoo ka dalbanayo inuu gurmad usoo diro. Waxuu kaloo warqad u dirsaday boqorkii Shiinaha isagoo ka kaalmo ka dalbanayo. Markaa buu Axnaf bin Qeys-na ku dhaqaaqay dhanka Marwi Ruud, oo Marwi Shahjaanna waxuu kusii dhaafay Xaaritha bin Nucmaan. Markaa iyada ahi waxaa Axnaf uga yimid magaallooyinka Kuufa iyo Basra ciidama gurmad oo ah afar qeyb. Markii ciidamadii bidaxda ee Axnaf ay gaareen Yazdajrid buu u guuray Balakh, markaasay isku heleen goobta Balakh, halkaasoo uu Alle ku jebiyey cadawga iyo ciidamadii Yasdajrid. Markaasay carareen isaga iyo intii la baxsatay oo kamid ah asxaabtiisii, waxayna gooyeen webigii oo ay galeen dhulka Turkiga.

Intaa kadib dhulkii Khuraazaan oo idil waxuu hoos yimid Axnaf bin Qeys, markaasuu magaallo kasto u sameeyay masuul gaar ah, markaa buu isagiina ku laabtay Marwi Ruud oo uu caga dhigtay, xarunna uu ka yeeshay. Kadib buu Axnaf bin Qeys dhankii Cumar u qorey warqad uu kula socodsiinayo qaabkii iyo dhulalkii uu ka furtay Khuraazaan guud ahaan. Kadib Cumar waxuu warqad u qorey Axnaf bin Qeys, taasoo uu ku amrayo inuusan gudbin webiga oo uu kusugnaado inta gacantiisa kujirto oo dhul ah.

Kadib Yazdajrid iyo Khaakhaan Al Akbar boqorkii Turkiga iyo Junuud aad u tiro badan ayaa dib usoo laabtay oo webiga soo gooyey, waxuuna Yazdajrid lasoo laabtay ciidamo aad u tiro badan, waxayna soo gaareen Balakh, markaasay masuuliyiintii Axnaf bin Qeys u wada carareen magaalladii uu Axnaf kusugnaa ee Marwi Ruud. Yazdajrid iyo Turkidiina waxay kasoo dhaqaaqeen Balakh oo ay dul degeen Marwi Ruud oo uu markaa kusugnaa Axnaf bin Qeys. Markaasuu Axnaf bin Qeys lasoo dhaqaaqay ciidamadiisii Kuufiyiinta iyo Basriyiinta dhammaan oo markaa ay tiradoodu ahayd 20 000.

Axnaf bin Qeys waxuu ahaa nin ku xeel dheer arrimaha militerinnimada oo waxuu ahaa mid kamid ah ragga qorshahaasi looga dambeeyo, waxuu diyaariyey ciidamadiisii oo uu tiro yaridii kamuuqatay uu ku kaabay isagoo ciidanka si qurux badan udhisay, kadib ciidamadii buu ka dhex istaagay oo uu u khudbeeyay waxuuna ku yiri:” Waad yartihiin, cadawgiinnuna waa ay badan yahiin”. Waxuu markaa akhriyey qowlka Alle kor ahaaye:”Immiso ayay koox yari ka adkaatay koox badan Alle idinkiisa, Illaahayna wuxuu la jiraaa kuwa sabra” Al Baqrah aayadda 249aad.

Turkidu waa ay soo baxayeen maalinta oo ay dagaallamayeen, muusanna garaneynin Al axnaf bin Qeys halka ay habeenkii qabtaan ee ay ku xaroodaan.

Goor habeen ah bay isaga iyo xayn kamid ah ciidamadiisii geesiyaasha ay isasoo raaceen oo ay raadiyeen halka ay galaan Khaakhaan iyo ciidamadiisa, waxayna goor subax ah oo waa’ beri ah arkeen rugtii Turkida. Markaasuu arkay Axnaf nin meel kasoo baxayo, suu xaggiisii u dhaqaaqay oo dilay, dabeeto mid kale baa soo baxay, markaasuu kiina dilay, misna waxyar kadib mid saddexaad baa soo baxay suu isagiina dilay. Markaasuu Axnaf si dhaqsi ah ugu laabtay goobtiisii. Markii ay ciidankii weynaa ee Turkida soo baxeen, waxay arkeen saddexdoodii nin oo mayd ah, wayna baaseeysteen arrinkaas. Turkida waxaa caado u ahayd inaysan soo bixin aroorta hore jeer ay marka hore soo diraan saddex nin oo akhyaartooda kamid ah. Markay tani ku dhacday way ka xumaadeen, wayna baaseeysteen. Markaasuu boqorkoodii Khaakhaan ku yiri:” In badan baynu halkaan joognay, waxayna kuwani inagu asiibeen goob aanan horey naloogu asiibin. Wax faa’iido ah oo aanu ka heleyno majirto la dagaallanka qoomka kan ee inaga celiya”.

Markaa bay dhulkoodii u laabteen. Muslimiintu maalintaa way sugayeen inay usoo baxaan oo ay is helaan, hase ahaatee wax usoo baxo maysan arag. Illeen waa dad dhanka kale ka dusay oo dhulkoodii ku laabtaye.

Kisraa isagu doqonnimadiisii iyo darxumadiisii iyo daciifnimadii caqligiisa ayuu la laabtay isagoo khasaaray oo dulloobay oo aanan helin wax faa’iido ah haba yaraatee. ”Cidduu Alle lumiyo ma u heleysid jid”. Suuratu An Nissaa aayadda 88aad.

Arrintii waxay ku noqotay Maxaad sameysaa? iyo halkee baad ciirsataa? Qaar kamid ah dadkiisii oo kamid ahaa kuwii caqliga u saaxiibka ahaa ee kamidka ahaa garaadyadii garashada fogaa baa markuu ku yiri:” Waxaan goostay inaan aado dhulka Shiinaha ama aan iska ag fadhiyo boqor Khaakhaan”. Waxay ku yiraahdeen ” Waxaanu aragnaa inaanu la heshiinno qoomkan, waayo waa dad diin ay ulaabtaan leh, oo aan degno bar kamid ah dhulkan, oo aan la derisno, iyaga ayaa inooga kheyr badan kuwa kalee?

Kisraa Yazdajrid wuu ka diiday fikraddaasi quruxda badan ee saliimka ahi, ee indheergaradyadii tolkiisa ay usoo jeediyeen, wuxuuna ka doortay gunnimo iyo khaatumo xumo, wax aanan indho la’aantiisii ahaynna ma uusan aqbalin.

Kadib waxuu u cid dirsaday boqorkii Shiinaha, isagoo ka gurmad iyo kaalmo dalbanayo, markaasuu boqorkii Shiinaha weydiiyay ergaygii Yazdajrid sifada qoomkan (Muslimiinta ah) iyo sidey ku furteen dhulkan oo ay kaga adkaadeen? Markaasuu ergaygii uga warramay sifadooda iyo sida ay faradaha iyo awrta u fuulaan iyo waxa ay sameeyaan iyo sida ay u tukadaan dhammaanba.

Markii uu boqorkii Shiinaha dhageystay dhammaan sifooyinkii looga sheegay Muslimiinta buu warqad u qoray Yazdajrid isagoo ku leh:” Ma jirto arrin ii diideyso inaan kuusoo diro ciidan horraantiisu ay tahay Marwa aakhirkiisuna ay tahay dhulka Shiinaha. Hase ahaatee qoomkan uu ii sifeeyay ergaygaadu sifadooda, hadday buuruhu damcaan waa ay duminayaan, haddii aan kuu imaado si aan kuugu gargaarana waa ay i baaba’inayaan inta ay kusuganyahiin waxa uu iiga sifeeyay ergaygaadu ee kula heshii dhulka”.

Yazdajrid isagu waa looga adkaaday dhulkiisii isaga iyo ehelkiisiiba, muddo yar kadib geeridii Cumar ayuu khaatumo xumi ku dhintay isagoo nin reer miyi ah uu bireeyay.

Markii Cumar bin Khaddaab ay gaartay bishaaradii guusha ee dhulka Khuraazaan buu Muslimiintii u khudbeeyay oo uu ku booriyey cabsida Allaah iyo sugaanan iyo toosnaan iyo Alle ka cabsi. waxuu xasuusiyey in uu Alle dhaxalsiiyey boqortooyadii Kisraa ee iyadu adduunka boqollaalka sanadood ka talin jirtay iyo guryahoodii iyo hantidoodii iyo carruurtoodii si uu Alle u eego waxa ay falaan.

Iimaam Dahabi wuxuu leeyahay:- Sanadkan ayaa la furtay Aderbiijaan, waxaana furtay Muqiirah bin Shucbah. Waxaa la sheegaa inuu kula heshiiyey 800 000 oo Dirham. Wallaahu aclam. Waxaa kaloo la sheegaa inuu furtay Xabiib bin Maslama oo wata ciidamada badan oo Shaam ka yimid, sidoo kalena ay la socdeen qaar kamid ah ciidamadii Kuufa, waxaana la socday oo kamid ahaa Xudeyfa bin Yamaan. Waxaa la sheegaa inuu xoog ku furtay Xabiib, wallaahu aclam.

Sidoo kale sanadkan ayuu Xudeyfa bin Yamaan Maahsandaan ku furtay xoog, kadib markii ay buriyeen heshiis ay horey ula galeen Sacad bin Abii Waqaas. Waxaana Xudayfa la socday ciidama badan oo ka yimid Basra waxaa kaloo u tegay ciidama ka socday magaallada Kuufa, markaasay labada qolo isku khilaafeen qaniimada, dabeeto Xudayfa wuxuu warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, asagoo ogeysiinaya xaallada ay isku qabsadeen ee ah qaniimada. Cumarna wuxuu soo amray inuu siiyo dadkii ka qeyb qaatay dagaalka oo kaliya.

Khaliifah bin Khayaad wuxuu xusay in sanadkan uu Camr bin Al Caas furtay Daraabulis.

SANADKII 23AAD

Sayf bin Cumar wuxuu xusay in sanadkan la furtay Towj oo uu furtay Majaashac bin Mascuud ka gadaala markii uu Faarisiinta kaga laayay dagaal maqtala aad u badan, kana qaniimeystay qaniima aad u badan. Markaas buu ku waajibiyey inay jizyo bixiyaan dadkii halkaa deganaa.

Sidoo kale Cuthmaan bin Abul Caas Al Thaqafi ayaa isaguna furtay Jowr dagaal daran ka dib. Dabeeto mar kale ayay furteen Isdhakhar, ka gadaal markii ay buriyeen ballantii uu Calaa bin Al Xadrami horey ula galay. Kadib Shahrak ayaa ballantii uu horey Muslimiinta ula galay buriyey, oo Faarisiintiina kiciyey si ay Muslimiinta ula dagaallamaan. Arrintaasi markuu Cuthmaan ka war helay wuxuu udiray walaalkii Xakam bin Abul Caas. Markaas bay is heleen labadii qolo oo dagaal dhex maray, dabeetana Xakam wuxuu dilay Shahrak iyo wiilkiisii. Sidaa ayayna kaga guuleysteen.

Furashadii Fasaa iyo Daar-Abjarad

Sanadkan ayuu Jaariyah bin Zaniim aaday dhanka Fasaa iyo Daar- Abjarad, halkaasi waxaa ugu aruuray jamac Faarisiin ah iyo Kurdi oo weliba aad u badan. Markaas ayuu Cumar habeen seexday oo arkay riyo muujineyso dagaalkaasi, wuxuu arkay Muslimiintii iyo cadawga oo is helay iyagoo isku helay goob saxara ah iyo buur weyn oo daanta dambe ee Muslimiinta tiillay, oo haddii ay Muslimiintu gabbaad ka dhigtaan aanan dhinac kale looga iman karin. Subaxii ayuu Cumar amray in Muslimiintu masjidka isugu yimaadaan salaadda jamaacada, markiina la gaaray waqtigii uu riyada ku arkay ayuu mimbarkii fuulay oo u khudbeeyey oo uga warramay wixii uu arkay, asagoo khudbaddii wado, ayuu mar qura yiri:- Saariyoow!! buurta buurta!!. Waxay ahayd xilli ay ciidamada halkaasi ka dagaallamaya ku jireen halis xun oo cadawgu dhabar jebin darani la maagganaa. Sidaa daraaddeed Saariyah wuxuu maqlay dhawaqii Cumar, inkastoo uu joogay meel aad uga fog magaallada Madiina ee uu xilligaasi Cumar kusugnaa. Markii uu maqlay Saariyah dhawaqaasi, wuxuu owday halkii halista, oo dabeetana cadawgii ka guuleystay. Halkaasi Muslimiintii waxaa ay ka qaniimeysteen maal badan, waxaana kamid ahaa maalkaasi sanduuq jawharad ah. Sanduuqii iyo khumuskii qaniimada iyo bishaaradii guusha ayuu u diray Saariyah dhankii amiirka Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab.

Duullaankii Kurdida

Kadib ciidama badan oo Kurdi ah ayaa waxay isu aruursadeen inay Muslimiinta la dagaallamaan, dabeetana Abii Muusa Al Ashcari ayay isku heleen Nahru Tayr. Kadibna Abii Muusa Al Ashcari wuu ka leexday oo wuxuu aaday dhanka Asbahaan, iyagiina wuxuu kusii dhaafay ciidama culus oo uu hoggaaminaya Al Rabiic bin Ziyaad, ka gadaal markii la dilay walaalkiis Muhaajir bin Ziyaad. Kadib Al Rabiic bin Ziyaad iyo Mushrikiintii waxaa dhex maray dagaal aad u daran oo uu durba ku jebiyey cadawga kagana adkaaday. Waa ayna jabeen, oo firxadkoodii baa kala fiigay. Wuxuuna halkaasi ka qaniimeystay qaniimo aad u badan. Kadibna khumuskii qaniimada iyo bishaaradii guusha ayuu u diray dhankii Cumar bin Khaddaab Illaahay haka raalli noqdee.

Isla sanadkaas ayuu Dibbah bin Muxsin Al Canasi u tegey Cumar bin Khaddaab isagoo kaga eed sheeganaya Abii Muusa Al Ashcari, dabeeta Cumar wuxuu u yeeray Abii Muusa Al Ashcari, isagiina waxyaaba badan ayuu ka cududaartay, Cumarna wuu u cududaaray, sidoo kale Dibbana wuu u cududaaray, dabeeta Abii Muusa Al Ashcari, wuu laabtay wuxuuna aaday magaalladii Basra, oo uu salaad tujinta madax ka ahaa.

Qaar Kamid Ah Wax Qabadkii Cumar

Ma aynu wada xusi karno wax qabadkii Cumar, waxaase laga dhugan karaa siiradiisii iyo dhulfurashooyinkiisii. Cumar bin Khaddaab wuxuu ahaa khaliifadii labaad ee Khulufaa’u Raashidiinka, wuxuuna ahaa afarta Khaliif kii ugu dhul furasha badnaa. Wuxuu furtay buurahii Furus iyo beeraheedii iyo qalcadahoodii, sidoo kale wuxuu furtay guud ahaan dhulka Shaam, Jaziiradda, Muusal, Armiiniya, Masar iyo Aleskandariya. Wuxuu geeriyooday askartiisii oo joogta Bilaadu Rayi, wuxuuna Shaam ka furtay, Busra, Dimishiq, Yarmuuk, Urdun, Bayzaan, Dabariyah, Jaabiyah, Falastin, Ramallah, Iiliyaa, Casqalaan, Ghaza, Xeebaha, Qudus, , Baclabak, Ximsa, Qinnasriin, Qeysaariyah, Xalab iyo Andaakiyah iyo qeyrkooda. Masar wuxuu ka furtay Aleskandariya, Darabulis Al Qarb iyo Barqa iyo kuwa kale. Dhanka Furus wuxuu ka furtay Qaadisiyah, Xiirah, NaharShiir, Saabaadh, Madaa’in, Xulwaan, Dajla iyo Furaat, Ablah, Basra, Ahwaas, Hamdaan, Nahaawunda, Baabil, Quumas, Dhulka Khuraazaan, Isdhakhar, Asbahaan, Suus, Marwi, Naysaabuur, Maasabadaan, Maah, Jurjaan iyo Aderbijaan iyo qeyrkooda. Askartiisu markaasi waxay goosheen webiga la yiraahda Nahru Maraar, ayagoo horey usii socdo.

Cumar wuxuu ahaa mid ay cabsidiisu darantahay, oo Alle ka cabsi badan, aqriyo Quraanka in badan. Indhihiisu waxaa madoobeyey ilmada siduu u oynayay Alle dartii. Hurdadiisu waa ay yareyd, cunnadiisuna sidoo kale, wuxuu ahaa mid raaca oo ogaada xaallada raciyadiisa. Habeenkii waa uu wareegi jiray si uu u ogaada xaallada ay raciyaddiisu ku sugantahay. Ma uuna lahayn wax waardiya ah, masjidka ayuu iska seexan jiray asagoonan waxba ka cabsi qabin. Qofkii ka yimaada goballada oo aanan horey Cumar u arag kama uuna dhex garan karayn dadka, waayo wuxuu fali jiray inuu lamid noqdo bulshadiissa. Asagoo ay awooddiisu gaadhay Furus iyo Shaam iyo Khuraazaan, ayuu haddana ceeshkiisu ahaa muufo qalalan iyo milix iyo saliid. Sidaa oo ay tahay ma uuna badsan jiray fawaakihda iyo macmacaanka adduunka. Wuxuu ahaa mid ka saahiday dunida iyo dhalanteedkeeda. Dhanka kale wuxuu ahaa mid ku ad adag amarka Alle. Wuxuu ahaa mid ku ad adag masuuliyiintiisa goballada oo daba gal kusameeyo, wuxuuna ka codsan jiray qofkii uu masuul ka dhigaya, inuuna dhisan guri weyn oo qurux badan iyo inuuna badsan cunooyinka dufanta leh sida hilibka iyo inuuna sidoo kale badsan macmacaanka adduunka. Wuxuu kaloo amri jiray in albaabadoodu ay iska furnaadaan. Haddii arrimahaasi mid kamid ah ay kudhacaan, wuxuu oran jiray:- Waxaa idinku waajibeyso ciqaabteyda. Khaatimka uu wato waxaa ku naqshadeysnaa (kafaa bil mowt waacidan yaa Cumar!!).

Wuxuu ku seexan jiray firaash ka sameysan liif, wuxuuna gaadiid ahaan u isticmaali jiray dameer gaaban, iskama uu weyneyn jirin dadka, inta badan masjidka ayuu kusugnaan jiray. Qosalkiisu aad buu u yaraa, aayadaha Quraanka ayuu ku tadaburi jiray, wuuna ooyi jiray markuu maqla qowlka Alle. Wejigiisu waxaa ku yiillay laba xariiq oo madow ah oo ay ilmadu sameysay.

Wuxuu aad ugu wanaagsanaa caddaaladda, waxaana caddaaladdiisu ay gaartay xitaa inaanan la dulmin gaalladii ku hoos nooleyd Islaamka. Taariikhdiisii ayaynu ka bogan karnaa heerkii ay gaadhay caddaaladdiisii.

Arrimahaasi oo idil waa kuwa u suuro geliyey inuu noqdo amiir la jecelyahay oo geygigoo idil laga heybeysto, wanaaggii iyo waxyaabahii uu Islaamka u qabtayna waa midaanan lasoo koobi kareyn, waa halka ay saxaabadu ka yiraahdaan:- Islaammiddiisu waxay ahayd guul, imaaraddiisiina (xukunkiisii) waxay ahayd dhul furasho.

Caddaaladdiisii & Alle ka Cabsigiisii

Caddaaladdii Cumar waa midaanan la soo koobi karin, waxayna noqotay mid taniyo maanta tusaale loosoo qaato. Wuxuu ahaa masuul umaddiisa u caddaalad fali jiray, kuna caan baxay caddaaladda, oo ay geyigii oo idil camirtay cadligiisii. Haddaba waxaanu soo qaadaan doonnaa dhowr qiso oo ina tusinaya caddaaladdii Cumar Illaahay haka raalli noqdee.

  1. Cabdiraxmaan bin Cumar bin Khaddaab iyo Abuu Surcah Cuqbah bin Al Xaarith ayaa waxay maalin cabbeen khamri jeer ay sakraameen, ayagoo markaasi kusugnaa dhulka Masar. Markaas buu C/Raxmaan u tegey amiirkii dhulkaas oo ahaa Camr bin Al Caas, oo ka dalbaday inuu xadka ka oofiyo bacdamaa uu sakraamay. Saa C/llaahi bin Cumar oo asaguna dhulka Masar markaasi kusugnaa ayaa walaalkiis madaxa ka xiiray, kadibna Camr bin Al Caas baa jeedalay oo ka oofiyey xadkii. Arrintaasi waxay gaadhay amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, markaasuu warqad usoo diray dhanka Camr bin Al Caas asagoo ku oranaya:- Iisoo dir C/Raxmaan bin Cumar, adiguna Alle u toobad keen. Markaasi buu Camr bin Al Caas sidii falay oo u diray dhankii Cumar. Markii C/Raxmaan uu u tegey aabahiis, ayuu jeedalay oo ciqaabay ciqaad ka weyn middii loogu tala galay xadka cabbidda khamriga. Dabeetana wuu xabbisay. Markaas buu wilkii xanuunsaday, kadibna wuu geeriyooday. Al Faaruuq uma kala soocneen dadka, kan xad ku dhaco ha noqdo mid uu dhalay ama uu jecelyahay, ama ha noqdo mid kamid ah bulshada, wuxuu marsiin jiray mudnaantiisa. Siiba ehelladiisa wuu u labanlaabi jiray ciqaabta.

C/llaahi bin Cumar wuxuu yiri:- Haddii uu Cumar bulshada arrin ka reebo, wuxuu kulmin jiray ehelkiisa, oo ku oran jiray:- Waxaas iyo waxaas ayaan dadka ka reebay, dadkuna adinka ayay idin fiirsanayaan sida shimbirtu ay hilibka u fiirsato oo kale. Haddii aad ku dhacdaan, iyana way ku dhacayaan. Haddiina aad ka dhowrsataan, iyana way ka dhowrsanayaan. Illaahay baan kudhaartaye, ninkii idinka mid ah ee ku dhaca wax aan reebay, waan u laban laabi doonaa ciqaabta, halka uu iga joogo darteeda (maxabbada aan u hayo darteed, si ay dadka u arkaan inaan qof kasto ku ciqaabi doono arrinkaasi). Haddaba qofkii doono ha ka gaabsada kii doonana ha falo.

  1. Al Muwadda’a Imaam Maalik waxaa ku sugan oo laga soo weriyey Saciid bin Musayb in Cumar ay u tegeen laba nin oo doodeyso oo wax isku haysto, oo midi Muslim yahay ka kalena uu Yahuudi yahay. Markaas baa waxaa Cumar u caddaatay in xaqu uu leeyahay ninka Yahuudiga, suu u guday xaqiisii. Markaas buu Yahuudigii yiri:- Dhab ahaan Illaahay baan ku dhaartaye, si xaq ah baad ku xukuntaa. Markaasuu Cumar weydiiyey:- Maxaad ku ogaatay? Markaasuu Yahuudigii ku yiri:- Waxaan kutubtayada ka heleynaa inuuna jirin qaaddi wax ku xukminaya si xaq ah, illaa waxaa labadiisa dhinac ka xiga labo malag midig iyo bidix. Kuwaasoo ku toosinaya xaqa inuu falo mar waliboo uu xaqa lasocdo. Markii uu ka tego xaqa, bay labadaasi malagna ka tagayaan.
  2. Dhalxa bin Cubaydillaah wuxuu yiri:- Cumar baa habeen mugdiga kusoo baxay wuxuuna galay guri. Markii aan waabariistay ayaan gurigaasi aaday, oo waxaaba kudhex sugan haweeney duq ah oo indho la’. Markaasaan ku dhahay:- Waa maxay ninkaan kuu yimaada xaalkiisa? Markaasay tiri:- Wuxuu ii imanayay taniyo muddada sidaa iyo sidaas ah, wuu ii yimaadaa oo howsha ii qabtaa, oo guriga ii haggaajiyaa.
  3. Aslam Mowlaa Cumar waxaa uu yiri:- Habeen baan u la baxay Cumar duleedka magaallada Madiina, markaasaanu aragnay iftiin bidhaamaya oo aanu aadnay xaggiisii. Markaan u tegnay waaba haweeney fooli hayso oo ooyeyso. Markaasuu Cumar weydiiyey xaaladdeeda? Say ku tiri:- Waxaan ahay haweeney Carab reer miyi ah, wax aan haystana ma jirta. Markaas buu Cumar ooyey, oo soo dhaqaaqay asagoo deg degaya oo galay gurigiisa, markaasuu xaaskiisii Ummu Kalthuum bint Cali bin Abii Daalib ku yiri:- Ma dooneysaa ajar uu Alle ku haleeshiiyo? Wuxuuna uga warramay qisadii. Markaasay tiri:- Haaheey!! oo ay soo raacday. Wuxuu Cumar dhabarka kusoo qaaday daqiiq iyo shaxmad, Ummu Kalthuumna waxay soo qaadatay qalab dhalmada fududeynaya. Markaasay u tegeen, saa Ummu Kalthuum ay u gashay haweeneydii. Cumarna waxaa uu la fadhiistay ninkeedii isagoo ninku) uuna aqoon (inuu Cumar yahay amiirkii Mu’miniinta) oo way sheekeysaneyee. Haweeneydii waa ay dhashay oo waxay dhashay wiil. Markaas bay Ummu Kalthuum inta Cumar u timid ku tiri:- Amiirkii Mu’miniintoow!! ugu bishaareey ninkeeda in wiil loo dhalay.

Ninkii markuu maqlay hadalka Ummu Kalthuum ee ah amiirkii Mu’miniintoow!!, waa ay la weynaatay arrintaasi, wuuna ka cududaartay inuu aqoonsan waayay amiirkii Mu’miniinta. Cumarna wuu u cududaaray, wuxuuna yiri:- Wax dhiba malahan. Dabeetana wuxuu siiyey daqiiqdii iyo raashiinkii oo idil, wuuna ka ka tegey.

  1. Aslam baa mar kale sheekeeyey oo wuxuu yiri:- Habeen baa aniga iyo Cumar aanu u baxnay Xarrah waaqim. Markii aanu marayna Suraar baa waxaan aragnay dab. Markaasuu Cumar igu yiri:- Aslamoow!!halkaasi, waxaa joogto rukuubleey uu habeenku kusoo gaabtay, ee inoo kaxeey xaggooda. Markaasaanu u tegnay oo waaba haweeney ay ag joogaan ilmo yaryar iyo dheri dabka saaran. iyadoo carruurtuna ay markaasi ooynayaan. Markaas buu Cumar yiri:- Asalaamu caleykum asxaabta iftiimeysaay?

Markaasay haweeneydii tiri:- Wacaleykuma salaam.

Wuxuu yiri:- Miyaan soo dhawaadaa?

Waxay tiri:- Soo dhawaaw.

Wuxuu weydiiyey:- Maxaa idin helay?

Waxay tiri:- Habeenkii baa nasoo gaabiyey iyo qaboow.

Wuxuu weydiiyey:- Maxaa helay ilmaha yar ee ooynaya?

Waxay tiri:- Baahi bay la ooynayaan.

Wuxuu weydiiyey:- Waa maxay waxa dabka saaran?

Waxay tiri:- Waa biyo aan ku sasabaya jeer ay ka seexdaan, Alle ayaana dhexdayada ahaaday annaga iyo Cumar.

Markaasi haweeneydani ma dareensana inuu ninkani yahay Cumar, waxayse ogtahay in amiirka Mu’miniinta la yiraahdo Cumar.

Markaas buu Cumar ooyey, oo laabtay asagoo degdegaya, wuxuuna galay baqaasiinkii oo kasoo saaray daqiiq iyo saliid, markaasuu Aslam ku yiri:- Aslamoow!! ii saari dhabarka.

Wuxuu yiri Aslam:- Anigaa kaa qaadaya.

Wuxuu yiri Cumar:- Oo ma adigaa iga qaadeysid dembigeyga maalinta Qiyaama? Dabadeed daqiiqdii iyo saliiddii ayuu dhabarka kusoo qaaday oo u geeyey haweeneydii. Markaas buu daqiiqdii dhabarkiisa ka dejiyey oo inta in xoogaa ah kasoo qaaday ku shubay dherigi, saliiddiina uu ku daray, oo dabadeed dabkii afuufay muddo, ayadoo qiiquna uu buuxiyey gadhkiisa. Kadib waa uu kasoo dejiyey. Dabadeed wuxuu dalbaday weel, oo ugu riday, suu hor dhigay ilmahii yaraa, oo ka hoos leexday, wuxuuna ku yiri:- Cunaya!!. Markaasay cuneen jeer ay dhargeen. Haweeneydiina way u duceyneysay ayadoonan ogeyn inuu yahay amiirkii Mu’miniinta. Cumar kamuuna tegin jeer ay carruurtii seexdeen. Markaas buu raashiinkii u reebay oo ka tegey. Markaas buu inta xaggeyga usoo jeestay buu igu yiri:- Aslamoow!! waxa soo jeediyey ee ka oohinayay waa baahida.

  1. Cali bin Abii Daalib ayaa Cumar kula kulmay duleedka magaallada Madiina xilli uu hanfi kululi dhacaya. Markaasuu weydiiyey:- Halkee baad kusocotaa amiirkii Mu’miniintoow!!?

Wuxuu yiri:- Awr kamid ah geelii saddaqada oo lumay ayaan raadinayaa, oo aan dalabkiisa kujiraa.

Markaasuu Cali yiri:- Dhab ahaan, waa aad daalisay khaliifada kaa dambeyso.

Caddaaladdiisii waxay ahayd mid aanan la soo koobin karin xusiddeeda, wuxuuna ahaa mid ay mashriq iyo maqrib gaadhay caddaaladiisii Illaahay haka raalli noqdee. Sidoo kale wuxuu ahaa mid ay Alle ka cabsigu ku weyntahay.

Alla ka cabsigiisii wuxuu gaaray heer aanan la miithaali karin. Anas bin Maalik, wuxuu sheegay in Cumar markii uu salaadda Cisha dadka tujiyo kadib uu aadi jiray gurigiisa oo uu ilaa fajarka salaad u taagnaan jiray.

Siduu usoomi jiray baa midibkiisii doorsoomay oo uu noqday madow weyti ah. Markii ay dhacday abaartii Rammaadah, wuxuu iska xarrimay oo ka fogaaday cunidda wax dufan leh, asagoo markii horeba ku noolaa kibis iyo milix iyo saliid, taasoo uu weli ka dhergi jirin. Taasuna waxay gaarsiiyey in midibkiisii uu doorsoomay oo si aad ah u dhuubtay, awooddiisuna daciiftay. Wuxuu gaaray heer ay Muslimiintii u naxeen naftiisa. Wuxuuna asagu oran jiray:- Waali (masuul) baas baan ahay haddii aan dhergo Muslimiintoo baahan.

Sanadkasi ay dhacday abaartii loo yaqaanay Rammaadah, xaaladdu markay darraatay, oo umaddii baahi daray aafeysay, baa Cubaydillaah bin Cumar wuxuu qashay neef ri’ ah oo u joogtay, wuxuuna amray xaaskiisii inay u sameyso si ay u quutaan maadaama aanay muddo dhadhamin quud dufan leh. Cumar bin Khaddaab baa markii uu arrintaasi ogaaday yimid gurigii Cubeydilalah oo inta aad u carooday ku canaantay falka uu sameyey xilli ay Muslimiintu baahanyahiin oo abaar darani ku habsatay. Markaas buu Cumar amray in markii hilibka iyo kibista la diyaariyo asaga loo keeno. Wuxuuna amray oo loo yeeray saxaabadii waa weyneed ee Muhaajiriin iyo Ansaar. Ayagii ayuuna amray inay cunaan hilibkii iyo kibistii.

Wejiga Cumar waxaa ku yiillay labo xariiq oo madmadow ah, kuwaasoo ay sameysay ilmadii ka quban jirtay siduu Alle u caabbudi jiray darteeda oo u ooyi jiray markii uu akhrinaya Quraanka. Wuxuuna ahaa mid cabsida Alle darteed la ooyo. Mararka qaar wuu miyir beeli jiray marka uu akhriyo Quraanka kariimka, oo marar dambe soo miyirsan jiray. Taasu waxay sababi jirtay in maalmo gurigiisa lagu soo booqdo isagoo aanay jirin wax cudur ah oo haya marka laga reebo cabsida Alle oo uu la sakaraadi jiray.

Asagoo khaliifa ah, oo xukunkiisa uu gaaray bari iyo galbeed, ayaa wuxuu ku lebisan jiray maro suuf ah oo dhammaad ah, oo aanan ishu qabaneyn. Lagama dhex garanayn Muslimiinta. Qofkii aanan horey u aqoon Cumar, haddii uu masjidka soo galo ayadoo Cumar uu asxaabtiisa la fadhiyo, waxaa qofkaasi dhib ku noqoneysay inuu ogaado qofka Cumar ah. Ma uusan lahayn waardiyo, masjidka ayuuna iska seexan jiray intuu go’iisa huwado, ayadoo carruurta yaryari ay ku cayaarayaan, dushiisa ayuu iska gam’i jiray.

Mar la geeyey Hurmuzaan magaalladii Madiina, oo masjidkii la geeyey si uu Cumar halkaasi kula kulmo, wuxuu arkay Cumar oo go’ yar huwan oo masjidka dhex jiifa, iyadoonay jirin cid waardiyeyneyso. Waxay Hurmuzaan taasi ku noqotay fajaciso, waayo wuxuu qaadan waayay ninka boqortooyada Furus iyo ta Ruum ay ka fadhin waayeen ee la wareegay, adduunkii xilligaasi jirayna intiisa badan ay asaga hoos timaaddo inuu meel cidlo ah oo misna dhulka masjidka iska jiifo waxay kunoqotay wax maskaxdiisa ka weyn. Sidaa darteed buu Hurmuzaan ku celceliyey:- Meeyey waardiyaashiisii?

Dharkiisa ayuu meydhan jiray, maradiisuna waxaa laga heli jiray dhowr karan oo uu asagu gacantiisa ku tolan jiray, kabahiisuna sidoo kale.

Anas bin Maalik wuxuu yiri:- Waxaan la joogay Cumar. Markaasuu galay beer, waxaana inoo dhaxeeyey deyrka beerta, suu yiri (asagoo isla hadlaya):- Cumar bin Khaddaab, amiirkii Mu’miniinta. Bakh!! bakh!!. Illaahay baan ku dhaartaye, waad Alle ka cabsataa ina Khaddaaboow!! ama lagu cadaabyay. Markaasaa la weydiiyey arrinkaas. Suu yiri:- Nafteyda baa i cajabisay. Markaasaan damcay inaan liido.

Khaatumkiisa (fargashigiisa) waxaa ku naqshadeysnaa weedhan Kafaa bil Mowti Wacidan Yaa Cumar!!. Oo la macno ah, geerida ayaa waano kuugu filan Cumaroow!!.

Dilkii Amiirka Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab

Markii uu ka faaruqay sanadkii 23aad Xajka wuxuu degay Al Abdhax, halkaasoo uu Alle ku baryay, asagoo uga ashkatoonaya in cimrigiisii weynaaday, raciyadiisuna badatay, dhulalkiina uu kusii fogaaday oo meelo badan uu furtay, quwaddiisiina ay daciiftay. Wuxuu markaasi Illaahay ka baryay inuu oofsado oo kumanneysto shahaado, kuna oofsado magaalladii Nebiga SCW ee Madiinah.

Labadaasi arrimood ee ah shahaadada iyo inuu ku dhinto baladkii Rasuulka Alle SCW, Illaahay wuu u qadaray, wuuna ka aqbalay addoonkiisii ducada, waxaana dilay gaal Majuusi ah oo la oran jiray Abuu Lu’lu’ah Fayruuz bin Rustum Al Majuusi. Kaasoo dilay goor salaad subax ah, asagoo dadka tujinaya oo istaagay mixraabka, subax Arbaco ah dhammaadkii bishii Dil Xajjah, wuxuuna la helay qinjir (middi) labo afood leh, oo uu ku dhuftay saddex dhufasho, waxaa kaloo la sheegaa inuu ku dhuftay lix darbo oo halis ah. Markaas buu Cumar dhacay oo inta gacanta qabtay C/Raxmaan bin Cowf amray inuu dadka salaadda ka bixiya. Ninkii Majuusiga ahaa wuxuu mindidii khinjirka ahayd lasii maray wixii uu arko, wuxuuna sidaa ku dhaawacay 13 ruux, oo lix kamidi ay dhinteen. Dabeetana C/llaahi bin Cowf ayaa go’iisii ku qabtay. Markiina uu arkay inuu gacan galay ayuu is dilay gaalkii Majuusiga ahaa, lacnadi dushiisu ha ahaatee. Markaas baa Cumar gurigiisii loo qaaday. Marna wuu miyirbeelayay, marna wuu soo miyirsanayay. Markuu soo miyirsaday wuxuu dadkii weydiiyey in salaaddii la tukaday? Markaasay usheegeen in la tukaday, markaasuu yiri:- Nasiib malahan qofkii ay ka taga. Dabeetana wuxuu dalbaday weysa oo tukaday. Waqtigaasina wuxuu ahaa ka hor intaanay qorraxdu soo bixin. Dabadeed wuxuu weydiiyey qofka dilay? Waxaa lagu yiri:- Abuu Lu’lu’ah adeegahii Muqiirah bin Shucbah. Markaasi buu Cumar farxay oo Alle mahadiyey inuu dilkiisa ku sababay qof aanan weligiis Alle u sujuudin. Misna wuxuu yiri:- Illaahay ha dulleeyo’ee waxaanu amarnay wanaag.

Ninkan wuxuu adeega u ahaa Muqiirah bin Shucbah. Wuxuuna ahaa farsama yaqaan tumaal iyo fuundi ah, markaasuu Muqiirah u qoray malin waliba 2 Dirham. Dabeeta Cumar baa amray inuu u siyaadiyo maadaama uu yahay nin sanca yaqaan ah. Cumar ma uu ogolaan jirin in magaalladu ay soo gasho cidaanan laga aqoon, sidoo kalena ma ogoleyn in idin la’aan laga baxa magaallada Madiina. Sifada uu ninkani kusoo galay magaalladu waxay ahayd, Muqiirah bin Shucbah baa gobalka warqad uga soo diray Cumar, asagoo ka codsanaya inuu usoo diro nin Majuusi ah oo farsama yaqaan ah, si uu reer Madiina uga caawiya dhanka farsamada gurya dhisidda iwm. Markaas buu Cumar ka yeelay oo kusoo dhaweeyey. Sidaa darteed baa wuxuu markii dambe Cumar amray Muqiirah inuu u kordhiyo intuu horey ugu tala galay mishahar ahaan.

Intaas dabadeed Markii Cumar la duray wuxuu dhibsaday inuu khaliif sameeyo, wuxuuna jecleystay inuu khaliif la’aan ka tego umadda, oo haddii Alle kheyr waafajiyo uu asaga haleeshiiyo koodii ugu kheyr badan. Saxaabo badan iyo dadkii Muslimiinta ayaa arrintaasi ay u cuntami weyday, waxayna ku taliyeen inuu Cumar sameeyo khaliif asaga bacdigiisa ah. Qaar uu Muqiirah ku jiro ayaa waxay u tilmaameen inuu C/llaahi bin Cumar u dardaarmo khilaafada, balse arrintaasi Cumar aad buu uga xanaaqay, kuna canaantay dadkii fikraddaasi usoo jeediyey. Runtii C/llaahi wuxuu ahaa nin u qalmay booskaasi, oo taqwa iyo suhdi badan, balse Cumar wuxuu dhibsanayay in arrintu ay dhaxaltooyo u ekaato. Wuxuu markuu ka fursan waayay arrinkan masuliyadda ahi u dardaarmay lix nin oo kamid ah kuwii uu Rasuulka SCW ka geeriyooday asagoo ka raalli ah, kana mid ah tobankii jannada loogu bishaareeyey. Waxayna kala ahaayeen Cuthmaan bin Cafaan, Cali bin Abii Daalib, C/Raxmaan bin Cowf, Dalxa bin Cubaydillaah Zubayr bin Al Cawaam iyo Sacad bin Abii Waqaas. Wuxuu ka reebay Saciid bin Zayd oo kamid ahaa 10-kii Jannada loogu bishaareeyey. Sababtuna waxay ahayd inay qaraabo soke ahaayeen. Wuxuuna Cumar oran jiray:- Arrinkii Muslimiinta halaga weydiiyo reer Khaddaab nin qura (yacni asaga Cumar oo kaliya halaga weydiiyo maalinta Qiyaama). Wuxuu sidoo kale dhibsaday Cumar inuu sameeyo khaliif, siduu u sameeyey Abuu Bakar oo kale. Dadkiina waa ay ku adkeeyeen arrinkaas, markaas buuna amray in lixdaasi nin ay mid iska doortaan. Wuxuuna ku daray C/llaahi bin Cumar si uu goob joog ula ahaado marka ay shirayaan oo uu u waaniyo. Wuxuuna amray inuusan C/llaahi arrinka waxba ku lahayn oo aanan la dooran kareyn. Dhanka kale wuxuu yiri:- Haddii ay Cali doortaan dhabbada toosan ayuu qaadsiin. Markaas buu wiilkiisa C/llaahi weydiiyey sababta uuna u magacaabeyn Cali. Wuxuuse markaasi sheegay inuu dhibsanaya in masuuliyadaasi ay sii saarnaato xitaa markuu dhinta ka dib. Misna mar kale wuxuu yiri:- Umaleyn mahayo in dadku ay ku doorsan doonaan Cuthmaan iyo Cali qof kale. Misna asagoo lixdii nin la hadlaya wuxuu amray hadday saddex iyo saddex noqdaan, in la raaco saddexda uu kujiro C/Raxmaan bin Cowf. Sidoo kale wuxuu yiri:- Haddii Sacad la doorto waa haggaag, haddiina la dooran, kiinnii la doorto hala tashado Sacad, waayo ugama aanan casilin magaallada Kuufo khayaano ama inuu kasoo bixi waayey. Dabeeta wuxuu u yeeray Abuu Dalxa Al Ansaari iyo Al Miqdaad bin Camr oo amray inay soo kaxaystaan 50 nin oo markaasi albaabka u fadhiistaan nimanka ahlu shuuraha ahi, oo dadka ka waardiyeeyaan. Wuxuuna amray haddii ay saddex casho gudahooda amiir ku dooran waayaan dhimashada Cumar kadib inuu lixda ninba unuunka u dheereeyo, yacni qoorta jaro. Wuxuu sidoo kale amray haddii amiir la doorto oo mid kale ka daba kaca in qoorta la jaro.

Dabeeta wuxuu Cumar diray wiilkiisii C/llaahi oo uu u diray dhanka Caa’isha si uu uga soo idmo in lagu aaso labadiisii Rafiiq agtooda Rasuulka SCW iyo Abuu Bakar. Markaas bay Caa’isha ayadoo ooyeysa u ogolaatay (waxay ka murugeysneed dhimashada amiirka Muäminiinta). Waxayna marki hore halkaasi ugu talo gashay in ayada naf ahaanteeda lagu aaso. Waxayna u sheegtay C/llaahi bin Cumar in amiirka uu kamudanyahay ayada, oo ay u hibeysay booskeedii. Sidaa darteed buu C/llaahi u laabtay Cumar oo u sheegay. Wuxuu intaasi kadib Cumar amray in markii uu dhinta loo qaado gurigii Caa’isha oo mar kale laweydiiya oo haddii ay u ogolaato markaasi lagu aaso haddii aanay ogolaanna loo qaado qabuuraha Baqiic. Wuxuuna sheegay in laga yaabo inay ka xishootay markii uu weydiistay.

Wuxuu sii amray salaad tujinta muddada ay ahlu shuuraha shirayaan inuu tujiya Suheyb bin Sinaan Al Ruumi. Horraantii bishii Muxarram maalin Axad ah ayaana lagu ag aasay labadiisii rafiiq, goobta gurigii Caa’isha.

Wiilkiisii Cubeydillaah bin Cumar ayaa wuxuu dilay Hurmuzaan, iyo nin Ruumaan ah oo la oran jiray Jufaynah Al Ruumi iyo gabar uu dhalay Abuu Lu’lu’ah, si uu ugu aaro aabahiis. Nimankaasina waxaa la sheegaa inay ka dambeyeen dilkii Cumar. Markaas buu Cumar amray in la soo qabta Cubaydillaah oo markii ahlu shuuraha ay amiir iska dhex doortaan uu hadhowta amiirkaasi xukmiyo haddii xukun qisaas ah lagu fulin doona iyo haddii kaleba.

Illaahay ha u nuuriyo qabrigiisa amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab. Aamiin Aaamiin Aamiin

Abuu Bakr

ABUU BAKAR SIDDIIQ (KHALIIFKII RASUULKA ALLAH SCW)

” Haddii iimaanka Abuu Bakar miisaan la saaro oo misna iimaanka ummadayda miisan la saaro, waxaa cuslaan lahaa iimaanka Abuu Bakar”.

Sidaa waxaa yiri Rasuulka Alle (SCW).

Shaki kuma jira inuu ahaa kii ugu fadliga badnaa uguna iimaan badnaa umadda Nebi Muxammed SCW kadib dhimashadiisii, taana waxaa kusoo arooray axaadiith badan oo muujineysa fadligiisa.

Asagu saxaabigani waa mid kamid 10-kii Jannada loogu bishaareyey, waana Khaliifkii Rasuulka SCW, wuxuu ahaa saxaabi kamid saxaabadii Nebiga SCW misna saaxiibkiisii godka, aabahiis waa saxaabi, hooyadii Ummul Kheyr waa saxaabiyad, carruurtiisa oo dhami waa saxaabo, wuxuu dhalay afadii Rasuulka SCW ee Caa’isha Siddiiqah bint Abuu Bakar Siddiiq.

Nasabkiisa & Dhalashadiisa

Wuxuu Abuu Bakar ka dhashay Qureesh gaar ahaanna lafta banii Taym bin Murrah, inaayadiisuna waa sida tan: Abuu Bakar magaciisu waa C/llaahi bin Abii Quxaafah – aabahiis Abii Quxaafah magaciisu waxuu ahaa Cuthmaan bin Caamir bin Camr bin Kacab bin Sacad bin Taym bin Murrah bin Kacab bin Lu’ay bin Qaalib bin Fihir bin Maalik Al Qurashi At Taymi. Hooyadiis waxaa la oran jiray Salmaa bint Sakhar bin Caamir bin Kacab bin Sacad bin Taym bin Murrah Al Qurashiyah At Taymiyah, waxay ilma adeer la ahayd Abuu Quxaafa- oo ah aabaha dhalay Abuu Bakar, waxaana uu laqabkeedu ahaa Ummul Kheyr oo ay caan ku ahayd.

Wuxuu Abuu Bakar ku dhashay magaalada Makka sanadkii 573 Ciise kadib, oo ku beegan laba sano iyo bar ka dib dhacdadii Maroodiga, wuxuu ka yaraa Rasuulka SCW kudhawaad saddex sano, waxayna Rasuulka SCW iyo isaga ahaayeen saaxiibo yaraantoodii isla soo koray. Waxaa loo yaqiinnay markii hore amaba uu magaciisu ahaa Cabdi Kacab, Rasuulkaase SCW ka baddelay oo u bixiyey C/llaahi, waxaana uu laqabkiisu ahaa Al Catiiq, sidoo kale waxaa loo yaqiinay As Siddiiq. Sababta Catiiq loogu baxshay waxay ahayd waji samidiisii iyo qoor xoreyntiisii badneyd, waxaa kaloo lasheegaa in aysan hooyadii horey u dhalin wiil isaga ka hor, dabeeta ay kacbada tagtay oo ay Alle ka bariday inuu siiyo wiil, kadibna markii uu siiyey Alle wiil bay u bixisay Catiiq, waxaa kaloo iyana la yiraahdaa sida werin kusoo aroortay oo Ca’isha laga soo weriyey ina Abuu Bakar Siddiiq Allaha ka raalli noqde uu maalin u soo galay Rasuulka SCW oo uu salaamay. Markaasuu Rasuulka SCW yiri:-”Adigu waxaad tahay mid naarta laga xoreyay”.

Waxaa kaloo la yiraahdaa: Rasuulka SCW ayaa maalin waxuu yiri:” Qofkii ay farxad gelineysa inuu arko qof nool oo naarta laga xoreyay ha eego kan (Abuu Bakar Siddiiq) Waxaa wariyey Tirmidi. Ca’isha waxay kaloo tiri:” Aabahay baa ii soo galay maalin, markaa baan ku iri: Bishaareyso! inaad kamid tahay kuwa naarta laga xoreyay”, Waxayna usheegtay inay maqashay Rasuulka SCW oo sidaa leh.

Sababta kalee iyana loogu magacaabay Siddiiq ayaa waxay ahayd isagoo runloow ahaa oo tolkiisa markii uu wax u sheega aysan waligood ka beensan jirin, horeyna uguma aysan baran wax been ah. Habbeenkii Rasuulka la dheelmiyey ee Israa Wal Micraaj baa subaxeedii waxay Qureeshtii u tegeen Abuu Bakar oo ay ku yiraahdeen” Abuu Bakaroow! ma waadan maqal waxa uu saaxiibkaa sheegayo, ee ah in xalay Beytul maqdis la geeyay misna sammada loo qaaday oo uu Alle la kulmay? Waxuu ku jawaabay Abii Bakar “Sadaqa” (Run buu sheegay), Illaah baan ku dhaartaye anigu waan rumeyn” , kadibna intuu Rasuulka SCW raacay buu xayntii Quresheed ee uu uga warramo qisadii xalay ayuu Abuu Bakarna lahaa ”Sadaqta” (waa runtaa). Sidoo kale maalintaas ayaa loo baxshay laqabka Sidiiqna waa la yiraahdaa.

Islaamka ka hor waxuu iska xarrimay cabbida khamriga iyo inuu cuno wax sanam loo qalay,sidaa si lamid ahna waxaa cabbida khamriga horey isaga xarrimay Cuthmaan bin Cafaan iyo Cuthmaan bin Madhcuun, waxuu yiri Abuu Bakar:- Waligey cabbi mahayo wax miirkeyga tagsiin oo ay dadku igu qosli”. Maalin maalmaha kamid ah baa waxaa kaxeeyay aabahiis Abuu Quxaafa oo u geeyay sanam kamid sanamyadii Kacbadda yiilley ee ay tolkiis caabbudi jireen, waxuu ku yiri Abuu Quxaafa:” Wiilkeygoow!! waa kuwan illaahyadii ee iyaga weydiiso waxa aad doonta”. Markaa buu Abuu Bakar u dhawaaday sanamkii oo uu ku yiri:- Sanamyahow! waan baahanahay ee quud isii? Saa umuusan jawaabin. Wuxuu haddana markale yiri:- Sanamyahow! waan arradanahaye i arrad tir. Misna umuusan jawaabin. Intuu u dhawaaday buu dhagax ku dhuftay misna umuusan jawaabin, kadibna wuu isaga tegay, markaa buuna ka fogaaday wax sanam ah iyo diintii ay tolkiisa haysteen oo idil, waxuuna noqday nin ganacsada ah oo maalqabeennadii Quresheed kamid ah, dadkuna waxay u haayeen xushmad iyo jacayl, maadaama uu ahaa nin Qureeshta iyo Carabta kaloo idil caan ka dhex ahaa. Waxuu si wacan u yaqiinnay jilibyada Carbeed iyo isirradooda, waxuuna ahaa nasab aqoon ay bulshada reer Makka oo idil jecelyahiin. Wuxuu kaloo lahaa gola fadhi oo dhalinyarta iyo odayaasha Qureesheedba ay ku kulmi jireen, aad bayna u xiiseyn jireen Qureeshtu qolahii Abuu Bakar.

Islaamiddiisii

Maadaama uu ahaa nin caqli badan oo garasho fogna leh, laguna tiriyo raggii ugu garaadka fiicnaa geyiga Makka, bugtii hora ee Islaamkuba horey ayuu ka Islaamay. Taasi waxaa u saamaxday saaxiibtinimadii Nebi Muxammed SCW uu saaxiibka la ahaa tiiyoo meesha laga saareyn jeceylkii uu Alle Sarreeye jeclaa, waayo Alle cidduu jeclaado oo kaliya ayuu fursaddaas dahabiga ah iyo ajarkeeda weyniga badan haleeshiiyaa.

Waxuu yiri Abuu Bakar Siddiiq:- Waxaan fadhiyey daaha Kacbada iyadoo Zayd bin Camr bin Nufeyl-na uu fadhiyey, markaa baa waxaa soo maray Umayah bin Abii Salat, waxuuna ku yiri:- Sideed ku waa bariisatay kheyr doonoow!!? Markaa buu Zayd ku jawaabay:- Kheyr baan ku waabariistay.Waxuu yiri:- Oo miyaad heshay (yacni diin wanaagsan?).

Zayd horey ayaa waxuu uga tegay diinta tolkiis oo waxuu kamid noqday Xunafaadii wixii diintii Nebi Ibraahiim CS ka haray ku dhaqmaysay.

Waxuu yiri:- May. Markaa buu Umayah bin Abii Salat tix gabay ah tiriyey dabeetana yiri:- Nebigan la sugi xaggayaguu ka iman doonaa (reer Thaqiif), mise idinka (reer Makka), ama reer Falastiin. Waxuu yiri Abuu Bakar Sidiiq:- Ma aanan maqal markaa ka hor in Nebi la sugayo ama la soo diri doona, saa waan baxay oo waxaan aaday dhankii Warqah bin Nowfal. Markaan u tegey ayaan uga warramay qisadii. Waxuuna yiri:- Haa. wiilkii walaalkayoow!!. Nebiga kan ee la sugayo waa mid laga soo saari doona Carab bartankeeda xagga nasab ahaanta, qoomkaaguna waa bartama Carabta nasab ahaan. Waxuu yiri:- Saa waxaan ku dhahay:- Adeer!! Oo muxuu oran Nebigu? Waxuu yiri:- Waxuu oran wixii lagu yiri (yacni waxyiga loo waxyooday). Markii Nebiga SCW lasoo dirayna waa aan rumeeyay oo aan raacay.

Markii la soo diray Rasuulka SCW qofkii ugu horeeyay ee uu u sheega oo uu dacwada u bandhiga waxuu ahaa Abuu Bakar Siddiiq. Markaa buu isagana kama uusan laba labayne waa uu ku deg degay oo goor horeba Islaamay. Waxaa la isku khilaafaa qofkii isaga iyo Khadiija (afadii Rasuulka SCW) Illaahay haka raalli noqdee hor Islaamay, sidoo kalena isaga iyo Cali ayaa la isku khilaafaa koodii hor Islaamay, hase ahaatee culimada Mu’arrakhiinta ah waxay ku xukmiyaan inuu Abuu Bakar ahaa qofkii xagga ragga ugu hor Islaamay, Khadiijana ay ahayd qofkii xagga dumarka ugu hor Islaamay halka Calina ay ku xukmiyeen inuu carruurta xaggooda ugu hor Islaamay. Markii Rasuulka SCW lasoo diraayey waxuu Abuu Bakar jiray 37 sano. Markii uu islaamay waxuu durba guda galay inuu dacwada diinta Islaamka fidiyo oo doorkiisa ka qaato, waxaana gacantiisa ku Muslimay durbadiiba shan kamid ah 10-kii Jannada loogu bishaareyay kuwaasoo kala ahaa Cuthmaan bin Cafaan, Zubeyr bin Cawaam, Dhalxa bin Cubeydillaah, C/Raxmaan bin Cowf iyo Sacad bin Abii Waqaas. Raggan iyaga ahi waxay ahaayeen halyeeyadii Islaamka iyo cullimadii ugu sarreysay, waxayna kuwada Muslimeen gacanta Abuu Bakar Siddiiq Allaha ka raalli noqee. Sidaa si lamid ahna waxaa ku Muslimay dacwadiisa khalqi badan oo uu kamid ahaa saxaabiga jaliilka ah ee Khaalid bin Saciid bin Al Caas Al Umawi.

Rasuulka SCW isagoo inooga warramaya Islaamiddii Abuu Bakar Siddiiq waxuu yiri:- Axadna ugumaanan yeerin Islaannimada, illaa wuu dib dhacay oo wax eeg eegay, marka laga reebo Abuu Bakar mooyaan, isagu markaan ugu warramay kama uusan laba labayn mana uusan ka dib dhicin.

Culimada qaarkood baa waxay yiraahdeen:- Haddii uu mid wax dhaho uu yiraahdo saxaabadoo dhan marka laga reebo Abuu Bakar uma sugnaan wax saaxiibtinimo ah (yacni saxaaabi la saaxiibay Nebi Muxammed SCW ma ahan) ma uusan gaaloobin qofkaasi sidaa yiri, hase ahaatee haddii uu yiraahdo Abuu Bakar ma uusan ahayn Nebi Muxammed SCW saaxiibkiis waa uu gaaloobay qofkaasi. Tani waxay ina tusineysaa heerkii saxaabinnimo ee uu Abuu Bakar Siddiiq ka joogay Rasuulka SCW agtiisa intuu dhamaa, iyo miisaan halkuu joogay, waxayna taasi inoo caddeyneysaa in saaxiibnimadii Abuu Bakar Siddiiq ay ka weyntahay saaxiibnimadii saxaabada kale oo dhan marka laysu geeyo. Waa halka uu ku gaalloobaya qofkii yiraahdo:- Abuu Bakar ma ahayn saxaabi. Balse qofkaasi hadduu yiraahdo:- Saxaabada kale ma ahayn saxaabo. Ma ku gaaloobaya, balse waxaa loo qori dembiga beenta iyo inta gefkaasi uu dembi dhanyahay.

Maalintii uu Islaamayay Abuu Bakar Siddiiq wuxuu hanti lahaa 40 000 Dirham, waxuuna ku gar gaaray Islaamka isagoo addoomada ku xoreynayey masaakiintana ku quudinayey.

Qaar Kamid Ah Fadliga Abuu Bakar Siddiiq

Waxuu Abuu Bakar Siddiiq Illaahay haka raalli noqdee lahaa fadli aanan lagu soo koobi karin qoraal, haddii aynu damacno inaan wada qornana kaligii (fadligiisa kaliya) baa malaha buug iyo buuggaag badan buuxin lahaa. Macnahu waxaa weeya waa wax aanan la soo koobi kareyn fadligii Abuu Bakar Siddiiq. Wuxuu ahaa mid aad u fadli badan, oo darajadiisa saxaabi gaari karo uuna kujirin saxaabadii Nebi Muxammed SCW. Sidaa darteed baa waxaan kasoo qaadan doonnaa qaar kamid ah oo muhiim ah hadduu Alle idmo.

Rasuulku SCW waxuu yiri:- Haddii iimaanka Abuu Bakar miisaan la saaro oo misna iimaanka ummadayda miisan la saaro, waxaa cuslaan lahaa iimaanka Abuu Bakar. Tani waxay ku tusin heerka uu iimaanka Abuu Bakar joogay iyo inuu ahaa mid aad u sarreeyo oo aysan jirin cid iimaankiisa gaari karto Rasuulka SCW ka dib ummadan Nebi Muxammed SCW dhexdooda.

Waxuu ka dhex muuqday Qureeshta iyo Carabta kale oo dhan, taana waxaa u sabab ahaa sidaynu soo xusnayba weji samidiisii, wanaagiisii iyo isagoo kala yaqiinay jilibyada Carbeed iyo abtirkooda. Waxuuna Rasuulka SCW u qaabilsanaa dhanka tirikoobka iyo aqoonta dadka oo isaga ayaa la weydiin jiray saxaabi kamid ah saxaabada marka la garan waaya jilibkiisa ama lagu murmo, waxuu ahaa mid taas caan ku ahaa Islaamka ka hor iyo kadibba, mana aysan jirin cid kula tartami kareysay arrinkaasi, oo waxuu ahaa mid dhankaa looga dambeeyo. Waana saxaabiga kaliya ee qof kastoo Qureeshta kamid ah oo qaangaar ah marka uu kasoo hor baxo u abtirin jiray siduu nasabka u yaqiinnay darteed.

Abuu Muusa Al Ashacari baa maalin waxuu go’aasaday inuu maalintiisa inta ka dhiman la jooga Rasuulka SCW, markaa buu goor hore weyseytay oo uu masjidkii aaday, misna wuu ka waayey Rasuulka. Kadib waa loo tilmaamay oo raadkiisii ayuu qaaday, waxuu ugu tegay goob uu ceel ku yaal oo beer ah isagoo markaa dul fadhiyey ceelka oo maradiisuna lugaha uga yara laabantahay sida qof ceelka biyo kasoo darsanaya. Markii uu Abuu Muusa u tegay Rasuulka SCW ayuu salaamay dabadeedna albaabkii buu u fadhiistay isagoo go’aansaday inuu albaabka u ilaaliyo oo uu waardiya u noqda, markaa baa waxaa soo garaacay albaabka Abuu Bakar Siddiiq, markaa buu Abuu Muusa Al Ashacari su’aalay:- Waa kuma? Wuxuu yiri:- Waa Abuu Bakar Siddiiq. Waxuu yiri:- U kaadi. Markaasuu u tegay Rasuulka SCW oo uu ku yiri:- Rasuulkii Alloow!! Abuu Bakar baa albaabka taagan oo ku idin dalban. Waxuu yiri:- U idin inuu soo galo, oo uguna bishaarey Jannada. Markiina uu u idmay oo uu u bishaareyey buu soo galay oo uu Allaah mahadiyey kadibna Rasuulka salaamay oo dhinaca midigta ka fadhiistay. Misna Cumar baa soo garaacay sidii si lamid buu Abuu Muusa Al Ashcari ku yiri. Rasuulkuna SCW sidii si lamid buu yiri:- U idin uguna bishaareey jannada. Markaa buu sidii Abuu Bakar oo kale falay oo uu dhinaca bidixda Rasuulka ka fadhiistay SCW, misna Cuthmaan bin Cafaan baa soo garaacay oo isagiina sidii camal uu Rasuulka SCW yiri:- U idin uguna bishaareey janno iyo fidno asiibi doont. Markiina loogu bishaareyay jannada iyo fidnada asiibi doonta, buu Alle mahadiyey oo uu yiri:- Allaan la kaashan ( fidnadaas ). Waxuuna fadhiistay Rasuulka SCW hortiisa maadama labada dhinac ay buuxday, waxayna culimadu ku fasiraan qabuurtooda oo Rasuulka SCW, Abuu Bakar iyo Cumar ay isku garba yaallaan goobta gurigii Caa’isha iyo qabriga Cuthmaan oo ku yaal maqbarada Baqiic.

Rasuulka SCW baa mar qiimeeyay acmaasha oo tilmaamay in Jannooyinka qof loogu yeeri albaabka sallaadda, qofka sakada badanna albaabka sakada, qofna looga yeeri doono albaabka jihaadka, qofka soonka badanna albaabka soonka, markaa buu Abuu Bakar Rasuulka SCW su’aalay:- Rasuul Alloow!! ma jiraa qof albaabadaasi oo idil loogu yeeri? Wuxuu yiri:- Haah!! waxaana rajeyn inaad kamid noqoto.

Waxuu ahaa Abuu Bakar Siddiiq ganacsada taajir ah oo hanti badan leh, wuxuuna u gar gaari jiray qof kastoo dhibban iyo mid waliboo wax si ka yahiin, waxuuna ku sifeysnaa akhlaaqda iyo hadalka dhimrisan, meelo badanna waxuu ka shabahi jiray Rasuulka SCW, waligii qof lama uusan dagaallamin ka hor Islaamka waqtigaasoo dadku dagaal iyo fitno ka dhaxeyn jirtay oo sida loo kala xoog weynyahay la isku dhici jiray. Waa saxaabiga kaliya ee hantidiisa oo dhan ku bixiyey jidka Allaah hal maalin.

Rasuulka SCW waxuu yiri:- Qofka iigu mannasha badan oo maalkiisa iyo saaxiibtinnimadiisa oo dhan gacanta la ii geliyey waa Abuu Bakar, haddii aanan anigu mid mutacalliq ahayn (waayo waxaan anigu xiriir toos ah la leeyahay Allaah), Abuu Bakar oo kaliya baan ku xirnaan lahaa oo aan saaxiib ka yeelan lahaa, laakiin walaallimada islaaminada iyo kalgacaylkiisa qofka aan u haayo waa Abuu Bakar, albaabadaa (masjidka) oo dhami hala xiro, albaabka Abuu Bakar mooyaan.Waxaa Wariyey Bukhaari.

Maalin baa waxay arrin ka dhex dhacday Abuu Bakar iyo Cumar, iyadoo markaana uu Abuu Bakar is qabtay oo uu Cumar gurigiisii ugu tegay oo ku yiri:- Cumaroow!! iga raalli noqo? Cumarna wuu ka yeeli waayey. Dabeeta waxuu Abuu Bakar aaday Rasuulka SCW xaggiisa. Markiina uu Rasuulka SCW kor ka arkay Abuu Bakar oo marada soo xaytay buu asxaabtiisii ku yiri:- Saaxiibkiin wuu soo dooday. Markiina uu u yimid buu yiri:- Rasuulkii Alloow!! aniga iyo ina Khaddaab bay arrin inaga dhex dhacday, markaa baan gurigii ugu tegay si uu ii saamaxo, hase ahaatee wuu iga diiday. Markaa buu Rasuulku SCW yiri:- Allaah baa kuu dambi dhaafi Abuu Bakarow! saddex jeer buu yiri isagoo codka kor ugu qaadi. Intaa kadib Cumar baa isaguna goor dambe is qabtay oo dabeeta aaday gurigii Abuu Bakar. Markiina uu ka waayey buu is yiri waxuu jiraa masjidkii, waxuuna soo abbaaray dhankii masjidka. Markii uu yimid buu Rasuulka SCW kasoo fadhiistay dhanka midig, markaasuu kasii jeestay, misna dhanka kale ayuu ka maray, misna markale ayuu ka jeestay. Waxuu markaa gartay Cumar inuu khaldamay oo markii uu walaalkii iga raalli noqo yiri uu ka qaadan waayey. Kadib Abuu Bakar wuxuu guda galay inuu ka furto oo yiri:- Rasuulkii Alloow!! anigaa ka gar darnaa. Wuuna ku celceliyey, wuxuuna markaasi yiri Rasuulka SCW isagoo careysan oo Cumar la hadli:- Inaan Abuu Bakar kaa raaco, wuu mudanyahay ( aniguna xaq baan u leeyahay ), Illaah baa iisoo diray xaggiina, markaa baad i wada tiraahdeen:- Been baad sheegtay, Abuu Bakarna uu igu yiri:- Run baad sheegtay Rasuulkii Alloow!!. Waxuuna iigu gargaaray naftiisii iyo maalkiisiiba, ee miyaadan ii deyneyn saaxiibkey? Markale ayuu misna yiri:- Oo miyaadan ii deyneyn saaxiibkey? Maalintaasi kadib wax la murmay Abuu Bakar lama arag.

Wuxuu yiri Rasuulka SCW:- Ummadeyda qofka u dhimmirsan waa Abuu Bakar Siddiiq. Waxaa kaloo uu yiri:- Sidaad u aragtaan xiddigga iftiinka badan ee xiddigaha kale ku jira, waa sidaa oo kale Abuu Bakar iyo Cumar.

Wuxuu kaloo yiri:- Qof kastoo wax nagu lahaa waan u gudnay xaqiisii, Abuu Bakar mooyaan, isagu wuxuu nagu leeyahay wax aynan gudi karin illaa uu Allaah u gudo mooyaan.

Camr bin Al Caas baa mar uu Rasuulka SCW meel u dirayey ayuu Rasuulka SCW su’aalay:- Rasuulkii Alloow! dad yaad u jeceshahay? Waxuu yiri:- Caa’isha. Markaa buu yiri:- Ragga yaad ugu jeceshahay Rasuulkii Alloow!! SCW? Waxuu yiri:- Aabaheed.

Cumar bin Khadaab waxuu yiri:- Rasuulka SCW baa maalin ina amray in saddaqo la baxsado oo wax la keeno, markaa baan maalkii agteyda yaallay kala baray oo aan bar soo qaaday, waxaana is iri maantaad Abuu Bakar ka badin, ( horey ayay ahaayeen kuwa kheyrka ku tartama Abuu Bakar iyo Cumar). Markaa baan Rasuulka SCW ula tegay bar kamid maalkeygii, waxuuna igu yiri:- Oo maxaad reerkii uga soo tegtay? Waxaan ku dhahay::- In lamid ( intaan keenay in lamid ah, macnaha kala bar baan uga soo tegay). Abuu Bakarna waxuu keenay wixii agtiisa yiil oo maal ah, markaa buu Rasuulka SCW ku yiri:- Oo maxaad reerkii ugu soo tegtay? Markaasuu yiri:- Waxaan uga soo tegay Allaah iyo Rasuulkiisa. Maalintaas baan garowsaday inaan waligey Abuu Bakar gaareyn.

Abuu Hureyrana waxaa laga soo weriyey Allaha ka raalli noqdee inuu Rasuulka SCW yiri:- Horey maal iima uusan anfacin sida uu iigu afacay maalka Abii Bakar, kadib Abuu Bakar baa ooyay oo yiri:- Oo aniga iyo maaleygaba ma cidkalay usugnaadeen oo aan adiga ahayn Rasuulkii Alloow!!?

Cali bin Abuu Dhaalib waxuu yiri:- Rasuulka SCW baa wuxuu eegay Abuu Bakar iyo Cumar, markaa buu igu yiri:- Labadaasi (Abuu Bakar iyo Cumar) waxay hoggaan u noqon donaan dadka waaweyn (dadka caanka ah ee meeqaamka iyo sharafta leh) ee jannada, kuwii ugu horeyay iyo kuwii ugu dambeeyayba marka laga reebo Nabiyadii iyo Rusushii Alle ee lasoo diray,ee Caliyoow!! ha u sheegin. Rasuulka SCW waxaa u muuqatay in arrintaas iyo fadligaas inuu u ahaado mid u qarsoon labadaas saxaabi, sidaa darteed buuna Cali ku yiri:- Ha usheegin. Wallaahu aclam.

Waxuu kamid ahaa 10-kii saxaabi ee jannada loogu bishaareyay misna Khaliifkii Rasuulka SCW, Nebiga SCW baa maalin maalmaha kamid ah gacanta qabtay oo ku yiri:- Adigu waxaad tahay saaxiibkeyga ka cabbi doona darkeyga, waxaadna tahay saaxiibkeygii godka Thowr.

C/llaahi bin Cumar Allaha ka raalli noqdee ayaa isaga oo tilmaamaya sifadii Abuu Bakar Siddiiq wuxuu yiri:- Saddex nin oo ka soo jeedda qabiilka Qureeshta waxay noqdeen dadka kuwa ugu suubban dhanka akhlaaqda, iyo dhanka xishoodkubs, haddii ay kuu sheekeeyaan marna dhici mayso inay been kuu sheegaan, haddii aad u sheekeeysana kuma beensadaan, waxayna kala yihiin saddexdaas nin Abuu Bakar Siddiiq, Cuthmaan bin Cafaan iyo Abuu Cubeyda bin Al-Jarraax.

Haweeney baa mar u timid Rasuulka SCW oo wax weydiisaneysay markaa buu ku yiri:- Igu soo laabo. Waxay tiri:- Bal ka warran haddii aan ku heli waayo ( yacni haddii aan imaado adigoo geeriyooday )? Waxuu yiri:- U teg Abuu Bakar Siddiiq.

Maalin baa Rasuulka SCW oo ay la socdaan Abuu Bakar, Cumar iyo Cuthmaan waxay koreen buurta Uxud. Markaa bay la dhaqdhaqaaqday. Suu Nebigu SCW yiri:- Sugnoow Uxudeey!! waxaa dushaada saaran Rasuul, Siddiiq iyo laba Shahiide.

Meelo badan buu Abuu Bakar Siddiiq ka shabbihi jiray Rasuulka SCW xagga akhlaaqda iyo suubnaanta iyo hadalka dhimmirsan. Wuxuu ahaa saxaabi aan la soo koobi karin fadligiisii iyo wanaagiisii, waxuuna ahaa mid naxariis badan oo qoor xoreyn badan, waxaana xusid mudan dadkii Muslimiinta ee kufaarta Qureesheed caddibi jireen ee uu xoreyay kuwaasoo uu Allaah dartii u xoreeyay. Waxaa kamid ahaa dadkii uu xoreeyay Bilaal bin Rabaax, Caamir bin Abii Fuheyr, Abuu Fukeyh Al Aflax Mowlaa banii C/Daar, Zinniirah, Nahdiya- iyo gabadheeda Ummu Cubeys, iyo Jaariyad u joogtay banii Caddiyi gaar ahaan qoyska banii Mu’ammal. Dhammaan dadkan waxuu u xoreyay Abuu Bakar Allaah dartii, oo wax ujuuro iyo weji kama uusan lahayn. Taana waxaa caddeynayso, aabahiis Abii Quxaafa baa maalin u yimid oo ku yiri:- Abuu Bakaroow!! maandhoow!! marba haddaad wax xoreynetsid, maad wax ku anfaco xoreysid oo hadhoow kuu shaqeeeyo? Waxuuse ku jawaabay Abii Bakar:- Waxaan Alle wajigiisa ahayn uma xoreynayo.

Alle Sarreeye baa markaasi ku amaanay Quraankiisa Kariimka isagoo tilmaamaya samaantiisii iyo qoorxoreyntiisii, iyo siduu ula jeeday Allaah dartii, waxuuna yiri Alle Sarreeye:

”Waxaa ka fogaada (geliddeeda, yacni Naarta) qofkii Allaah ka dhowrsada, oo ah kan bixiyo xoolahaiis (saddaqo ahaan iyo qoor xoreyn) si uu u daahir noqdo, Qof wax ugu nicmeyayna oo uu u abaal gudina ma jiro, ee wuxuu uun u bixin Allaah Sarreeye dartii, wuuna raalli noqon doonaa”. Dhammaadka suuratu Leyl.

Dumarkiisii & Carruurtiisii

Abuu Bakar Siddiiq wuxuu guursaday illaa 4 dumar ah, labo kamid ah waxuu guursaday Islaamka ka hor labada kalena waxuu guursaday Islaamka kadib.

Islaamka ka hor waxuu guursaday Quteylah bint Cabdul-Cuzza Al Caamiriyah iyo Umu Rowmaan Al Kinaaniyah. Haddaba waxaanu soo qaadaneynaa dumarkii uu guursaday iyo carruurtii ay udhaleen, waana sida tan:

  1. Wuxuu guursaday Quteylah bint Cabdul-Cuzza bin Cabdu Ascad bin Nadar bin Maalik bin Xasal bin Caamir bin Lu’ay Al Qurashiyah Al Caamiriyah, waxayna u dhashay Asmaa oo uu guursaday Zubeyr bin Al Cawaam, iyo Cabdullaahi oo isaguna guursaday Caatikah bint Zeyd bin Camr bin Nufeyl.
  2. Wuxuu guursaday Umu Rowmaan bint Caamir bin Cuweymir bin Cabdishams bin Cataab bin Udeynah bin Sabiic bin Dahmaan bin Al Xaarith bin Qanam bin Maalik bin Kinaanah Al Kinaaniyah, waxayna u dhashay Cabduraxmaan iyo Caa’isha. Caa’isha waxay ahayd afadii Rasuulka SCW, Kahor intuusan Rasuulka SCW guursan Caa’isha waxaa soo doontay Jubeyr bin Mudcim. Markii uu Rasuulka SCW aabaheed ka doonay ayay Abuu Bakar arrintaa ku cuslaatay, waayo horey ayuu usiiyey Jubeyr bin Mudcim. Kadib buu Abuu Bakar u tegay Mudcim bin Caddiyi oo uu ku yiri: Iga soo dhiso gabadha”. Markaasay haweeneydii Mudcim ku tiri seygeeda:- Yuusan wiilka kaa fidneyn Abuu Bakar ee gabadhiisa faraha uga qaad. Markaa buu u fasaxay, sidaa buuna Rasuulka SCW ku guursaday sanadkii 1aad ee Hijriyada.
  3. Kadib waxuu guursaday Asmaa bint Cumeys bin Macad bin Taym bin Al Xaarith bin Kacab bin Maalik bin Quxaafah bin Caamir bin Maalik bin Nasar bin Wahabullaah bin Shahraan bin Cafras bin Khalaf bin Aftal (Aftal waxuu caan ku ahaa Khuthcum) Al Khuthcumiyah, waxayna udhashay Maxammed bin Abuu Bakar, sanadkii sagaallaad ee Hijriyada ayayna udhashay. Ka hor waxaa soo guursaday Jacfar bin Abuu Dhaalib. Iyada ayuu Abuu Bakar u dar daarmay inay meydho meydkiisa markii uu xanuunsanaa,
  4. Kadib wuxuu guursaday Xabiibah bint Khaarijah bin Zeyd bin Abii Zuheyr oo ka dhalatay banii Xaarith bin Al Khazraj, waxayna udhashay Umu Kalthuum bint Abii Bakar, markuu geeriyooday kadib, waayo iyadoo Ummu Xabiibah ay uur tahay buu ka dhintay.

Dhammaan carruurtiisii waa ay u hana qaadeen, Cabdullahi waxuu kudhaawacmay dagaalkii Xuneyn waxuuna geeriyooday sanadkii 11aad ee Hijriyada, Cabduraxmaan bin Abuu Bakar waxuu geeriyooday sanadkii 53aad ee Hijriyada ama 54aad. Waxuu ku geeriyooday goob la yiraahdo Al Xubshi oo 6 ama 12 mayl u jirta magaalada Makka, Caa’isha iyadu waxay geeriyootay sanadkii 57aad ee Hijriyada. Asmaa bint Abuu Bakar waxay geeriyootay sanadkii 73aad ee Hijriyada kadib dilkii wiilkeeda C/llaahi bin Zubayr muddo laga joogo bil iyadoo cumrigeeda lagu sheegay 100 sano ilig-na kama dhicin , hase ahaate way indho beeshay aakhirkii cumrigeeda. Umu Kalthuum waxaa doonay Cumar bin Khadaab, hase ahaatee way diidday, kadibna waxaa guursaday Dhalxa bin Cubeydillaah. Maxamed bin Abuu Bakar waxaa lagu dilay Masar waxaana dilay Mucaawiyah bin Khadiij, kadibna waa la gubay sanadkii 38aad ee hijriyada. Walaashiis Caa’isha si aad ah ayay uga murugootay, waxayna kafaala qaadday markaasi carruurtiisa.

Khudbaddii Ugu Horreysay Islamka

Culimada waxay sheegaan in saxaabadii racii kowaad ee Islaamay ay jecleysteen in khudbad la jeediyo, taasoo looga warramaya Quraanka soo degay iyo nuurkiisa, haddaba Abuu Bakar baa jecleystay inuu noqda qofkii akhrin lahaa khudbaddaas isagoo ka dhex jeedin Kacabadda dhexdeeda, waxayna ahaayeen Muslimiinta maalintaa 38 qof sida ay werrinnada badan qabaan. Wuxuu Abuu Bakar u tegay Rasuulka SCW oo uu ku yiri:- Rasuulkii Alloow!! waxaan jecleystay inaan khudbad akhriyo oo aan uga warramaya wixii soo degay iyo waxii aad ina bartay. Rasuulka SCW waxuu damcay inuu ka celiyo, maadaama ay Muslimiinta yar yahiin oo haddii Qureeshtu soo haweysata aysan iska dhicin karin hase ahaatee markii dambe Rasuulka SCW wuu ka yeelay oo wuu u idmay inuu khudba akhriyo. Kadib waxuu Abuu Bakar ka dhex istaagay koox jameecadii reer Makka oo saadaaddii Quresheed kamid ah oo uu khudbaddii u jeediyey. Goor uu dhexda marinaya ayaa waxaa kusoo heentay Qureeshtii oo ku kacday, markaa buu qof waliba ku dhuftay wixii uu ku dhufan karay, waxuuna Abuu Bakar ku dhacay dhulka, markaa buu Cutbah bin Rabiica kabtiisii wejiga uga garaacay heer markii dambe uu miyir beelay, kadib waxaa yimid, tolkii Abuu Bakar ee banii Taym, oo qaaday dabeetana geeyay gurigiisii, waxaa dul joogtay hooyadiis Ummul Kheyr oo murugeysan, taasoo guriga ku dabiibeysay in muddo ah. Waxay banii Taym ku hanjabeen in ay Cutbah u dilan doonaan Abuu Bakar haddii uu geeriyooda Abuu Bakar, oo dagaalkaana uu noqon doona mid Qureeshta dhexdeeda aan dhammaan. Sidaa darteed Abuu Bakar Siddiiq waxuu ahaa saxaabiga kaliya ee la xuso in tolkiisa oo gaalo ah ay u qiiroodeen si ay ugu dagaallamaan heer Qureeshtu dhexdeeda la gaaro inay is laayso, dagaalkaasoo noqon doona mid in badan raago.

Muddo buu Abuu Bakar bukaan jiif ahaa oo haddii lala hadlana uu ishaarayey oo kaliya, waxaana la joogtay hooyaddii Ummul Kheyr. Abuu Bakar waxuu miirkii kusoo laabtay isagoo leh:- Rasuulkii Alle SCW maxaa lagu falay? Waayo waxuu ogaa oo miir ugu dambeyay isagoo goobtii khudbadda joogay Rasuulkuna SCW uu la joogay. Haddaba hooyadii baa baxday oo waxay la kulantay Ummu Jamiil bint Khadaab, taasoo kamid ahayd dadkii Islaannimadooda qarsanyey, waxay Ummul Kheyr weydisay bal inay Abuu Bakar saaxiibkiis aragtay ,waxayna ku jawaabtay Ummu Jamiil:- Garan maayee ma dooneysaa inaan kuu raaco wiilkaada? Waxay tiri:- Haa!. Way soo baxeen, markiina ay Abuu Bakar uyimideen bay Ummu Jamiil si aad ah uga murugootay iyadoo xustay inay daalimiin gar daran yahiin Qureeshta sidaa u gashay. Markaas buu Abuu Bakarna yiri:- Maxaa lagu falay Rasuulkii Alle SCW? Waxay tiri:- Waa roonyahay waxuuna joogaa daartii Al Arqam ibnu Abul Arqam. Waxuu yiri Abuu Bakar:- Dhandhamin mahayo quud oo cabbi mahayo biyo jeer la ii geeyo Rasuulkii Alle SCW. Markaa bay u yara kaadiyeen inta cagtu ka dageyso (inta uu dhulka mugdi ka noqon). Markii cagtu degtay bay hooyadii iyo Ummu Jamiil soo garba galeen oo ugu keeneen Rasuulka SCW gootii asxaabta ee daarta Arqam. Markii uu Rasuulka SCW arkay Abuu Bakar dhibta iyo dhaawaca ka muuqda ayuu ilmeeyay oo uu aad uga murugooday, dabeetana wuu macaanaqeeyay (xabadka buu xabadka u saaray) oo uu dabeetana dhunkaday, markaa buu Abuu Bakar yiri:- Rasuulkii Alloow!! (SCW) kol haddii aan ku arkay adigoo bad qabtid wax waliboo i gaaray waxba maaha. Markaa buu Abuu Bakar ka sheegtay Cutbah iyo dhibtii uu soo gaarsiiyey, waayo wuxuu wejiga uga garaacay kab, waxuuna yiri:- Rasuulkii Alloow!! (SCW) waxaa iigu darnaa Cutbah. Markaa buu Rasuulka SCW Cutbah habaaray.

Wuxuu gudo galay Nebiga SCW inuu Abuu Bakar u duceeya, markaa buu Abuu Bakarna yiri:- Rasuulkii Alloow!! waatan hooyadeey oo wiilkeeda u baarrinimo fashay ee si uu Illaah cadaabta uga bad baadiyo Alle u bari oo Islaamkuna ugu yeer. Markaa buu Rasuulka SCW u duceyay oo Islaamkana ugu yeeray iyadiina waa ay Islaamtay. Haddaba Abuu Bakar waxuu ka faa’iday dhibkii ogaanta ee soo gaadhay in ay hooyadii Islaamta oo Rasuulkuna SCW u duceeyo. Miro dhalkii dacwadiisuna waxay noqotay inay hooyadii naar ka badbaaddo.

Cuqbah bin Abii Muceydh ayaa maalin arkay Rasuulka SCW oo kacbada ku tukanaya, markaa buu inta maro soo qaatey luqunta ama qoorta ka geliyey oo ku ceejiyey, Markaa buu Abuu Bakar warkii maqlay oo meeshii yimid oo ka qabtey kuna yiri:- Oo ma waxaad dileysaan nin intuu yiri Rabbigey waa Allaah Markaa baa wixii Qureesh oo meesha joogay Abuu Bakar ku jeesteen oo rifeen. Markaa buuna Rasuulka SCW dariiq helay oo uu ka baxay. Dabeetana wuxuu Nebigu SCW ku jeestay asxaabtiisii oo uu su’aalay:- Illaah baan idin ku dhaarshaye ma waxaa kheyr badan Mu’minkii reer Fircoon mise isaga yacni Abuu Bakar? Markaa cidi kamaysan siin jawaabtii uu filayey, kadibna waxuu yiri:- Oo maydaan ii jawaabeyn? Illaah baan ku dhaartaye saacad kamid ah saacadaha Abuu Bakar (noolashiisa kamidka ah) ayaa ka kheyr badan 1000 saacadood oo kamid ah (noolasha) Mu’minkii reer Fircoon. Oo kaasi waxuu ahaa nin isagu iimaankiisii qarsaday kanina waa mid iimaankiisii muujistay.

Abuu Bakar Siddiiq waxuu ahaa saxaabi Rasuulka SCW rafiiqiisii gaarka ahaa, oo uma suuro gelin hijradii dhulka xabashida loo hijroonayey. Waayo markii ay Muslimiintii nafahooda iyo diintooda la cararayeen buu Abuu Bakar kamid ahaa dadkaa iyaga ahaa ee damcay inay u qaxaan dhulaysan aqoon. Haddaba markuu baxay Abuu Bakar ayaa waxaa dhexda kula kulmay goob la yiraahdo Barkul Qimmaad odaygii Axaabiishta oo la oran jiray Ibnu Duhnah ( Waxaa kaloo la sheegaa in loo yaqaanay Ibnu Duqinah, waxaana la sheegaa in magaca hooyadii uu ahaa magacaasi, ama daabbadiis, magaciisa saxda ahina wuxuu Al Waaqidi ku sheegay Al Xaarith bin Yaziid. Suhaylina wuxuu ku sheegay in la yiraahda Maalik, wallaahu aclam). Oo ku yiri:- War Abuu Bakar xaggeed usocotaa? Waxuu yiri:- Tolkeygii baa isoo saaray oo waxaan jecleystay inaan iska socda oo aan tego meel aan Rabbigey ku caabbudo. Waxuu yiri Ibnu Duhnah:- Adigoo kale maaha mid baxo oo la saaro, ee laabo oo deegaankaaga Rabbigaa ku caabbud, aniga ayaana ku magan gelin doona.

Intaa kadib Abuu Bakar waxuu la laabtay Ibnu Duhnah oo uu Makka la tegay. Kadibna Ibnu Duhnah waxuu u tegay jamac Qureesheed oo ogeysiiyey inuu Abuu Bakar magan geliyey, waxuuna u tilmaamay inaanan magantiisa loo gacan dhaafin. Qureeshtii arrintaa way ka yeeshay, hase ahaate waxay ku xirtay shuruud ah inuu Abuu Bakar Rabbigiisa ku caabbudo gurigiisa oo uusan dhexdooda ku muujisan, waayo way dhibsan markaana waxaa suuro gal ah inay magantiisa u gacan dhaafaan.

Haddaba Abuu Bakar muddo ayuu sidaa ahaa oo gurigiisa Rabbigu ku caabbudi jiray, markii uuna salaadda u kaco codkiisa ayuu kor ugu akhrin jiray Quraanka heer ay dumarka iyo carruurta kusoo heentaan hareerahiisa oo ay ka dhageysan jireen.

Qureeshtii arrintaan waa ay dhibsatay oo waxay u tegeen Ibnu Duhnah oo ay u tilmaameen inuu ka laabto maganta uu Abuu Bakar magan geliyey ama uu ka celiyo oo Quraankiisa hoos u akhristo. Ibnu Duhnah ayaa u tegay Abuu Bakar oo ku war geliyey hadalladii ay Qureeshtu kula hadashay, waxuuna u tilmaamay inuu maganta kala laaban doono haddii uu sidan kusii socda. Abuu Bakar oo iimaankiisu aad u xeel dheeraa, kalsoonni dhanna ku qabay Rabbigiis ayaa ku yiri Ibnu Duhnah:- Iskala laabo magantaadu oo anigu waxaan magan galayaa Allaah oo aan ku raalli ahay. Sidaa ayuuna Abuu Bakar ku sugnaa jeer uu markii dambe Madiina usoo hijrooday isagoo Rasuulka SCW kula rafiiqay safiirkiisaasi hijrada.

Nolashiisii Madiina

Markay dadkii Muslimiinta ahaa intoodii haajiri kartay ka haajireen magaaladii Makka oo loowada kicitamay dhanka Madiina, Abuu Bakar wuxuu safarkiisii hijrada kula rafiiqay Rasuulka SCW oo waxuuba la galay godkii Qaaru Thowr oo ay saddex casho ku jireen isaga iyo Rasuulka SCW. Waana dhacdadii uu Alle Sarreeye ku soo dejiyey aayaddan:

”Haddaydaan u gargaarin (Gaalooy) Nebiga SCW waxaa u gargaaray Allaah, markey bixiyeen kuwii gaaloobay, isagoo labo (qofood) midkood ah, markay ku jireen (Nebiga SCW iyo Abii Bakar) godka, markii uu (Nebigu SCW) ku lahaa (Abii Bakar) :- Ha murugoon, Alle baa nala jiree, Suu Alle kusoo dejiyey xasilloonidiisii, oo uu ku xoojiyey junuud (askar Malaa’ig ah oo) aydan arkeyn. (Towbah aayadda 40aad)

Haddaba Abuu Bakar Siddiiq dhowr meelood ayuu Alle Quraanka kaga xusay oo aayado dhowr ah buu Abuu Bakar sababnasuul u ahaa, kuwaasoo ay ka mid yahiin aayadihii aynu horey usoo marnay ee suuradda Leyl iyo weliba kuwii ka hadlayey dhacdadii qadafka Caa’isha iyo markii uu quudkii uu siin jiray Abuu Bakar ka gooyey Misdhax bin Othaath oo horey uga qayb qaatay xaadisadii ifkiga, aayadahaasina waxay ku jiraan suuradda Nuur.

Abuu Bakar Siddiiq markuu yimid magaaladii Madiina Ansaartii horey Rasuulka SCW u arkin waxay kala garan waayeen koodii Rasuulkii Alle ah Nebiga SCW iyo Abuu Bakar. Taana waxaa iskaga dhex qasay dabeecaddii Abuu Bakar iyo dhaqankiisii oo aad u sarreeyay kuna dhawaa dhaqanka iyo dabeecadda Rasuulka SCW, heer raggii Ansaarta iyo dumarkoodii badankooduba ay u maleeyeen inuu Abuu Bakar yahay Rasuulkii la sugayey. Waxayse ku garteen inuusan Abuu Bakar ahayn Nebiga goor ay cadceedi qabatay Rasuulka SCW wejigiisa ayuu Abuu Bakar maradiisii uga dhigay markaa bayna garteen inuusan Abuu Bakar Rasuulka ahayn.

Intaasi kadib markuu Rasuulka SCW dadka Ansaarta iyo Muhaajiriinta walaaleynayey Abuu Bakar Siddiiq wuxuu la walaaleeyay Khaarijah bin Zeyd bin Abii Zuheyr Al Khazraji. Mar dambana waxuu Abuu Bakar guursaday gabadh uu dhalay Khaarijah bin Zeyd bin Abii Zuheyr oo la oran jiray Ummu Xabiibah bint Khaarijah.

Abuu Bakar Allaha ka raalli noqdee wuxuu Makka uga soo tegay reerkiisii, Rasuulkuna SCW sidoo kale. Cali bin Abii Dhaalib oo isagu looga soo tegay inuu deymahii iyo wixii uu Rasuulka SCW dadka u hayey inuu usoo gudo, waxuu asagu ka daba yimid saddex casho kadib oo Madiina soo gaaray, isagoo howshiisii soo gutay. Markaa bay Rasuulka SCW iyo Abuu Bakar direen labo nin oo la kala oran jiray Zeyd bin Xaaritha iyo Cammaar bin Yaasir. Wuxuu Abuu Bakar raggaasi siiyey 500 Dirham si waxa ay u baahdaan uga iibsadaan, waxuuna amray inay soo kaxeeyaan gabdhahii uu dhalay Rasuulka SCW- Faadimah iyo Ummu Kalthuum iyo xaaskii Rasuulka SCW ee Sowdah bint Samcah iyo waliba reer Abuu Bakar- Ummu Rowmaan iyo gabadheeda Caa’isha iyo Asmaa bint Abii Bakar afadii Zubeyr iyo weliba Ummu Ayman Barakah bint Thaclabah iyo wiilkeeda Usaama bin Zeyd. Abuu Bakar Siddiiq waxuu horey ugu daray labadii nin C/llaahi bin Ureyqid oo gaal dhul aqoon ahaa si uu jidka u tusiyo, wuxuuna Abuu Bakar horey warqad ugu sii qoray wiilkiisii C/llaahi bin Abii Bakar si uu usii diyaariya qoyska iyo safarkooda iyo sahaydooda. Dabeeto waa lasoo kaxeeyey dhammaan oo la keenay magaaladii Madiina, kadib buuna Rasuulka SCW Caa’isho la aqalgalay.

Abuu Bakar Siddiiq wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii Bader oo wuxuu ahaa ninkii Rasuulka SCW cariishkiisii ku wehliyey maalintaasi. Sidoo kale maalintaa waxuu doon doonayey wiilkiisa C/Raxmaan oo dhanka gaalada la safnaa. Wuxuu doonayey Abuu Bakar inuu wiilkiisa ka takhalluso oo wuxuu lahaa:- khurankiiyoow! meeyay maalkeygii? Isaguna wuxuu ku jawaabayey:- Waxaa ka dambeyso oo ka soo hartay seef dili doonta oday diintiisii nacay. Haddaba goor dambe ayuu Muslimay C/Raxmaan oo uu wanaagsanaaday. Abuu Bakarna maalintaa uu Muslimay wiilkiisa aad ayuu ugu farxay. Maalintii Uxud waxuu Abuu Bakar Siddiiq ahaa qofkii ugu horeeyay ee Rasuulka SCW kusoo laabtay kadib markay Muslimiintii jabeen.

Sidaa si lamid ahna waxuu ka qayb qaatay dhaqdhaaqyadii Axzaab, heshiiskii Xudeybiyah, duullaankii Kheybar, Cumradii la qalleeyey (Cumaratul Qaddaa), furashadii Makka, iyo dhammaan dhaqdhaaqyadii oo idil. Maalintii Tabuuk wuxuu siday calanka guud ee ciidanka Muslimiinta. Rasuulka SCW ayaa u wakiishay xajkii ugu horeeyay Islaamka sanadkii 9aad ee hijriyada, markaas ayaana loo dhalay wiilkiisii Maxamed bin Abii Bakar oo ay u dhashay afadiisii Asmaa bint Cumeys.

Rasuulka SCW markuu xanuunsaday wuxuu salaadda amray in uu Abii Bakar tujiyo. Caa’sha ayaa Rasuulka SCW ku tiri:- Rasuulkii Alloow! Abuu Bakar waa nin qalbi jilacsan oo oohin badan markuu Quraanku akhrinaya, ee maad amartid Cumar dadka ha tujiyee? Wuxuu Rasuulka SCW yiri:- Hala amro Abuu Bakar dadku ha tujiyee. Caa’isha waxay u tegtay Xafsah oo ay arrintii u sheegtay bal si ay iyana Rasuulka SCW u la hadasho iyaduna oo ay arrintaa ugu sheegto. Wuxuu yiri Rasuulka SCW markay Xafsa arrintaa kala hadashay:- Waxaad tihiin dumarkii Yuusuf shirqoolay (oo kale) ee hala amro Abuu Bakar dadka ha tujiyee.

Haddaba Abuu Bakar waxuu ahaa qofkii ku xigay Rasuulka SCW oo xilkan qaban lahaa iyo weliba kii ugu cilmiga badnaa saxaabada oo dhami Rasuulka SCW ka dib. Ishaarooyinkan iyo kuwa kale oo aan soo marnayba oo ay kamid yahiin albaabadii masjidka ee hala xiro uu Rasuulka SCW yiri, dhammaan ishaarooyinkan iyo kuwa kaloo badanba waxay ku tusin inuu Abuu Bakar yahay ninkii khilaafada qaban lahaa Rasuulka SCW bacdigiisa.

Goor barqo ah cadceedduna ay kulushahay maalin Isniin ah oo bishii Rabiicul Awal ay tahay 12 sanadkii 11aad ee hijriyada baa Rasuulka SCW la oofsaday oo uu dhanka Rabbigiisa aaday. Abuu Bakar Siddiiq markaasi wuxuu ku sugnaa goobta As- Suxni oo uu guri ku lahaa, halkaa buuna faras uga yimid oo inta masjidkii yimid dabeetana u dhaafay aqalkii Caa’isha buu u galay meydkii Rasuulka SCW oo inta wejiga maradii ka feyday ayuu dhunkaday oo ilmaduna ka qubatay dabeetana yiri:- Aabahay iyo hooyadayba kugu furtaye (Rasuulkii Alloow!) Alle labo dhimasho iskugu kaa dari mahayo, oo dhimashadii kuu qorneyn waad dhandhamisay. Misna wuxuu yiri:- Maxaa kaa udgoon badan Rasuulkii Alloow!! noolal iyo geeriba? Kadib Abuu Bakar wuu soo baxay oo dhanka dadkii soo abbaaray oo markaana Cumar wuxuu u gooddiyey qofkastoo yiraahdo:- Rasuulka SCW wuu dhintay. Waxaana la sheegaa in Muqiirah bin Shucbah uu u tegay Cumar oo u sheegay geerida Rasuulka Alle SCW. Markaa buu isaguna ka diiday oo ku yiri:- Been baad sheegtay.

Waxuu yiri:- Rasuulkii Alle SCW ma uusan geeriyoon oo mana geeriyoonayo, wuxuuse aaday xagga Rabbigiis siduuba Nebi Muuse CS u aaday oo afartan casho u maqnaa, kadibna yimid isagoo horey loo yiri:- Wuu dhintay. Dhaar Eebbee! Rasuulkii Alle SCW wuu soo laaban doonaa, markaas buuna gacmaha iyo lugaha ka jari doonaa dad badan oo sheegi inuu geeriyooday.

Werin kale waxay leedahay Munaafiqiin badan.

Abuu Bakar Siddiiq markuu usoo baxay dhankii dadka masjidka joogay oo uu Cumar u khudbeynayey uuna ku lahaa erayadaasi isagoona u gooddinayey inuu kurka ka jari doona ciddii tiraahdo Muxammed SCW wuu dhintay,ayuu Abuu Bakar soo galay oo Cumar u tilmaamay inuu fadhiisto, hase ahaatee Cumar arrintaa diidyay oo bartiisii ayuu kasii watay, waxaana ka qaalib noqday maalintaa murugadii oo xitaa miyirkiisii tirtirtay.

Kadib dadkii waxay u wada dhaqaaqeen dhankii Abuu Bakar, waayo wuxuu ahaa mid ay dadku jecelyahiin. Markaa buuna u khudbeeyay oo markuu Alle mahadiyey oo amaanay Nebiga SCW iyo ehelkiisana ku salliyey buu kadib yiri:- Intaa dabadeed, kiinnii Muxammed SCW caabbudijirayow! Maxammed wuu dhintay. Kiinnii Alle caabbudi jirayoow! Alle waa noolyahay oo ma dhimanayo. Kadibna waxuu akhriyey aayaddan:

”Maxamed (SCW) ma uuna ahaan, wax aanan Rasuul ka ahayn, kaasoo ay hortii tegtay Rusullo, ee ma haddii uu geeriyooda, ama la dilo baad u noqoneysaan dib ciribyadiinii (gaallimadiinii hore). Kiinnii kastoo dib ugu nooqda ciribtiisii hore Alle wax uu yeeli kara ma jirto, oo Illaahayna wuu abaal marin doonaa kuwa ku shukriya”. (Aali-Cimraan aayadda 144).

Aayaddaasi iyada ahi dadkoo dhami mabaysan ogeyn inuu Alle horey usoo dejiyey. Waxayna ogaadeen markii uu Abuu Bakar akhriyey, dabeetana qofkastoo maqlay intuu akhriyey ayuu meeshii ka dhaqaaqay isagoo qirsan inuu Rasuulkii Alle SCW dhintay.

Cumar bin Al Khaddaab wuxuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye markii aan maqlay aayaddaas iyadoo uu Abuu Bakar akhrinaya baan gariiray oo lugahii hayn kari waayey heer markii dambe aan dhulka ku dhacay. Markii uu akhriyey (Abuu Bakar) baana garowsaday inuu Rasuulku SCW geeriyooday.

Intaa kadib Rasuulka SCW waala aasay maalin Arbaco ah sida ku sugan kutubta siirada Nebiga SCW ee caanka ah. Cidi iimaam ma ka noqon janaasadiisii oo toban toban iyo goor goor ayaa loogu tukanayey.

Abuu Bakar wuxuu ahaa ninkii kaliya ee fahmay geerida Rasuulka SCW oo waliba u gartay siduu Alle Sarreeye Quraankiisa ku tilmaamay.

Doorashadii Abuu Bakar

Waxaa jiray ishaarooyin tilmaamayey in Abuu Bakar Siddiiq uu yahay ninkii ku xigi lahaa Rasuulka SCW oo khilaafada qaban lahaa, waxaana kamid ahaa axaadiis badan oo aan soo marnay iyo salaaddii uu Rasuulka SCW amray in dadka uu Abuu Bakar tujiyo iyo tilmaamyooyin kaloo badan. Waxaa taa dheereed ummaddii oo dhammaantood ku raalli ahaa Abuu Bakar aaminsanaana in uusan jirin axad ka fadli badan isaga Rasuulka SCW kadib.

Markii uu geeriyooday Rasuulka SCW, buu Abuu Bakar Siddiiq maqlay in koox Ansaar ahi ay ku kulansanyihiin saqiifadii banii Saacidah oo ay ka shirayaan arrimaha khilaafada. Arrintaasi waxaa Abuu Bakar iyo Cumar soo gaarsiiyey labo saxaabi oo kala ahayd Macni bin Caddiyi iyo Cuweym bin Saacidah. Raggakanina waxay ahaayeen Ansaar. Haddaba Abuu Bakar iyo Cumar waa ay soo dhaqaaqeen. Goor ay dhexda socdaan baa waxay la kulmeen Abuu Cubeydah bin Al Jarraax oo ay horey usii kaxaysteen, waxayna abbaareen dhankii saqiifadii banii Saacidah.

Ansaartu iyagu waxay istuseen inay amiir sameystaan, waxayna booskoodii u garteen ugaaskoodii Sacad bin Cubaadah bin Duleym As- Saacidi oo ay isku raaceen inuu asaga u noqdo amiir.

Markii ay Abuu Bakar, Cumar iyo Abuu Cubeydah yimideen goobtii ayay u sheegeen in arrintaan lagu ogyahay Qureesh maadaama hoggaankii xaramka ay iyadu haysay oo haddii ay Carabna maqalaan in khilaafadii ay qabatay cidaan Qureesh ahayn, ay taasi suuro gelineyso inay riddoobaan oo ay istusaan cidaan Qureesh ahaynba inay daw ku lahayn. Sidaa darteed waxuu Abuu Bakar u tilmaamay in labadan nin ee Qureesheed (Cumar iyo Abuu Cubeydah) midkood ay doortaan. Cumar bin Khaddaab arrintaasi siduu u dhibsaday isagoo ka sheekeyn jiray wuxuu oran jiray:- Dembi li’i baan jeclaa in unuunka la ii dheereeyo (kurka layga jaro) intii aan amiir unoqon lahaa ummad uu kujiro Abuu Bakar. Macnuhu wuxuu ka hadlayaa fadliga Abuu Bakar, iyo inuusan u noqon karin amiir nin asaga ka fadli badan.

Ansaartii waxay is tusinayeen in iyagu ay amiir sameystaan, waxaana kacay mid kaco oo kamid ah iyaga (Waxaa lagu sheegaa inuu ahaa Al Xubaab bin Mundir ) oo yiri:- Annagu Ansaar waxaynu leennahay amiir idinku Muhaajiriinna waxaad leedahiin amiir.

Ansaartu waxay ahaayeen kuwa ka badan Muhaajiriinta dhanka tiro ahaanta, oo Muhaajiriintu waa ay ka yaraayeen tirada Ansaarta. Hase ahaatee waxay Muhaajiriintu ahaayeen hoggaankii saxaabada oo muddo badan Rasuulka SCW agtiisa joogay waqtigii Makka, waxayna ahaayeen raggii ugu cilmiga badnaa saxaabada. Dhanka kale Ansaartu iyagu waxay ahaayeen dadkii reer Madiina ee u gar gaaray Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa. Waxayna ahaayeen raggii lagu tiirsanaa oo awood ahaan naf iyo maalba u qidmay Alle iyo Rasuulkiisa SCW, waxayna ahaayeen cududdii Islaamka.

Rasuulka SCW meelo badan ayuu Ansaarta ku ammaanay oo sida kutubta siirada ku sugan habeenkii Caqabadii labaad markii uu Abul Haytham bin Tihaam yiri:- Rasuulkii Alloow! Innaga iyo nimanka (Yahuudda ahi) waxaa isugu kaayo xiran xarko (heshiis iyo xilfi baa innaga dhaxeeyo oo gaashaan buur baynu nahay) oo waan gooyneynaa (haddaad ina amarto ) ee haddaba malaga yaabaa haddaynu sidaa yeelno dabeetana Alle kuu gargaaro inaad tolkaaga u laabato oo aad inaga soo tegto?

Rasuulka SCW intuu muusooday buu yiri:- Mayee! sidaa maahane dhiiggiinu waa dhiiggeyga oo nolol iyo geeriba idinkaan idinla jiraa, adinkuna anigaad ila jirtaan. Anigu idinka mid baan ahay oo idinkuna iga mid baad tihiin, oo qofkii aad la dagaashaan baanna la dagaali doonaa, ciddii aad soo dhaweysaan baana soo dhaweyn doonaa.

Habeenkaas waxay aheed habeenkii Caqaba ee heshiiskii labaad ee dhex maro raggaas Ansaarta iyo Rasuulka SCW. Waana ka hor intuusan Rasuulka SCW soo hijroon. Sidoo kale maalintii Xuneyn, markii ay saxaabadii jabeen Rasuulku SCW wuxuu amray Al Cabbaas bin C/Muddalib oo aad u cod dheeraa inuu u dhawaaqa Ansaarta si ay u soo laabtaan, oo u difaacaan Rasuulka SCW.

Durba waa ay soo gaddoomeen Ansaartii markii ay maqleen dhawaqa Al Cabbaas oo difaaceen Rasuulka SCW oo si daran uga qeyb qaateen dagaalka, iyo difaacidda Rasuulka jeer uu nasrigii yimid.

Maalintaasi iyada ahi Rasuulka SCW waxuu hanti iyo maal badan siiyey Muhaajiriinta iyo dad badan oo kamid ah kuwii diinta Islaamka ku cusbaa oo quluubtooda loosoo duwayey Islaamka xaggiisa. Qof Ansaarta kamid ahna waxba ma uusan helin. Rasuulku SCW Ansaartii wuu qadiyey oo qaybtii waxba kagama soo haggaajin, arrintaana waxay ahayd mid ay ku jirtay oo ay ku dheehnayd xikmad Allaah iyo Rasuulkiisu SCW oo kaliya ay garanayeen.

Haddaba Ansaartii ayaa markaasi hoos iskula hadashay oo gadoodday, oo gununacday iyaga oo aan garanayn sababihii dhaliyey arrintaasi ah, in Rasuulka SCW sidaa wax u qeybiyo. Markii uu dagaalku kululaaday ee ay saxaabadii jabeen, ayaga ayaa loo yeertay oo markay yimideen oo ay dagaallameenna, guul iyo nasri la helayna, waxba qaniimadii kama aanay helin. Waxayna xaaladdu gaartay heer ay qaarood Ansaarta iskula hadlaan si hoos ah iyagoo is leh:- Dhab ahaan Rasuulku SCW tolkiisii buu u yimid (oo yacni waxay u dhawdahay inuu idinka faaruqo). Ugaaskii Ansaarta ee Sacad bin Cubaada baa Rasuulka SCW u yimid oo ku yiri:- Rasuulkii Alloow! Ansaar waxa ay kuugu caroodeen sida aad wax yeeshay iyo qeybintii xoolihii qaniimada ahaa oo aad u qaybisay tolkaagii, iyadoo aad siisay siismo aad u weyn qabaa’illadii Carbeed iyaguna Ansaartu aadan haba yaraatee waxna siin..

Haddaba goor uu gadoodkii Ansaarta halkaa marayo oo dacwo kusoo biyo shubtay ayuu Rasuulku SCW ku yiri:- Oo Sacadoow! adigu xaggee baad ka taagan tahay arrintaa?

Waxuu yiri:- Rasuulkii Alloow! anigu tolkeyga ayaan wax la qabaa. Markaasuu Rasuulku SCW yiri:- Waxaad ii soo kulmisaa tolkaaga oo dhami. Kadib wuu dhaqaaqay oo waxuu soo kulmiyey tolkiisii. Markiina uu keenay tolkiisii oo uu Rasuulka SCW ula yimid oo dabeetana la fariistay, ayuu ku yiri kadib markuu Alle weyne mahadiyey, ducadii furfurashaduna akhriyey:- Ansaartiyeey! Oo maxuu yahay warkaan iga kiin soo gaaray ee ah inaad ii carooteen? Miyaanan ahayn mid idiin yimid idinkoo habawsan dabeetana Alle idin hanuunin? Oo miyaanan ahayn mid idiin yimid idinkoo cayr ah oo Alle idin hodmin? Oo miyaanan ahayn mid idiin yimid idinkoo cadaw isku ah oo Alle qalbiyadiinii isku soo duwin?

Kadib Waxay yiraahdeen:- Haah! Oo Alle iyo Rasuulkiisa ayaa gallad iyo abaal badanba lehe. Markaasuu yiri:- Oo miyeydaan ii jawaabeyn Ansaareey!!? Markaasey yiraahdeen:- Oo maxaan kuugu jawaabnaa Rasuulkii Alloow!? Alle iyo Rasuulkiisa ayaa gallad iyo abaal badanba lehe.

Markaasuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye haddii aad rabtaan waxad oran lahaydeen oo runna aad ku sheegi lahaydeen, oona la idiin rumeeyn lahaa:- Waad inoo timid adiga oo lagu beeniyey markaas baan ku rumeynay, oo aad inoo timid adigoo lagu dulleystay, saan kuu gargaarnay oo aad inoo timid adiga oo lagu soo saaray, markaasaan ku soo dhoweynay, oo aad inoo timi adigoonan waxbo haysan oo cayr ah, markaas ayaan ku hodminnay. Oo haddaba Ansaareey!! ma waxaad iigu carooteen haraa adduunyo oo aan qolooyin ugu soo duwaya diinta Islaamka ee aad idinku hirgeliseen oo aad xilkeedana qaadateen?

Oo miyeydaan raalli ku ahayn in dadku la tagaan ari iyo awr idinkuna aad guryihiinnii ula noqotaan Rasuulkii Alle? Allihii nafta Maxammed ay gacantiisa ku jirtay baan ku dhaartaye haddii aysan jiri lahayn hijro (yacni qaxootinnimo), waxaan noqon lahaa qof Ansaarta kamid ah. Oo hadday dadku waddo qaadaan, Ansaartuna waddo qaaddo, waxaan qaadi lahaa waddada Ansaar. Allahayoow!! Ansaar u naxariiso oo u naxariiso Ansaar iyo dhashooda iyo dhasha ay dhalaan dhashoodu. Markaas ayey Ansaar wada ilmeeyeen oo ay ilmadu hibisiqleeyeen oo ay yiraahdeen iyagoo wada hiqleyn oohinta:- Waanu ku qanacnay qaybinta iyo siismada Rasuulka Alle SCW oo aan ku raalli noqonnay inaan saami u helno Alle iyo Rasuulkiisa SCW.

Haddaba fadliga Ansaartu wuu badnaa oo waxay ahaayeen dad uu Rasuulka SCW aad u jeclaa iyaguna ay jeclaayeen, waxuuna u wakiishay Allaah iyo iimaankooda maalintaa iyada ah ee uu qeybinayey qaniimadii Jicraanah. Waxaana xusid mudan in Rasuulka SCW markii uu geeriyoonayey uu ka dar daarmay Ansaarta oo uu tilmaamay inay dadku badan doonaan, Ansaartuna ay yaraan doonta, waxuuna Muslimiinta ka dalbaday ama amray in Ansaar iyo ubadkooduba la xaq dhowra, waayo xaqii saarnaa way guteen oo waxaa markaasi haray xaqoodii.

Illaahay kor ahaaye Quraankiisa ayuu meelo badan ku amaanay Ansaarta, waxaana xusid mudan in magacooda (Ansaar) laga helaya Quraanka meelo badan, waana magac uu Alle kor ahaaye u bixyey iyaga, oo uu udooray Illaahay haka raalli noqdee.

Sidaa darteed bay Ansaartu is tuseen inay amiir yeeshaan ama ayba iyagu khilaafada qabtaan Rasuulka SCW bacdigiisa.

Kadib waxaa kacay mid kaco oo kamid ah Ansaarta (oo lagu sheegay inuu ahaa Useyd bin Xudeyr- saaxibul xikmah), waxuuna jeediyey khudbo cajiib ah oo uu Ansaarta kula hadlayey oo waxuuna tilmaamay inay iyagu yahiin Ansaartii Rasuulka Alle SCW, lagana doonayo inay noqdaan Ansaartii khaliifadiisa. Kadib buu Cumar kacay oo su’aalay Ansaartii inay jirta cid ku raalli noqotay Abuu Bakar oo Rasuulka SCW horey u amray salaadda inay ka hor marto.Hase ahaatee cidi arrinkaa kuma aysan dhiirran. Ansaartiina waxay ku qanceen khudbadii ugaaskooda Useyd oo saameysay iyo weliba kalmadihii Cumar. Markaa buu Cumar ku yiri Abuu Bakar:- Fidi gacantaada. Oo la mubaayicooday dadkiina ay la mubaayicoodeen intoodii goobtaas joogtay.

Kadib wuxuu tegay masjidkii oo dadkii beyco guud la galay oo misna eegay dadka isagoo mimbarka saaran, wuxuusa dadka ka dhex arki waayey Zubeyr bin Cawaam. Markaasuu u cid. Markii uu yimid ayuu su’aalay sababta ku kalliftay ka dib dhaco beycada isagoo ay dhashay Rasuulkii Alle SCW eeddadiis. Markaa buu Zubeyrna u cududaartay inuu arrimo ku mashquulsanaa oo kadibna la mubaayicooday. Sidaa si lamid ahna wuxuu mar kale dadka ka dhex eegay Cali oo markii uu ka dhex waayey, u cid diray. Markii uu yimidna wuu u cududaartay, dabeetana waa uu la mubaayacooday.

Shiicadu waxay aaminsanyahiin inuusan Cali la mubaayicoon Abuu Bakar Siddiiq. Waxaase cad oo axaadiis badan oo saxiix ahna ku sugnaaday inuu Cali la mubaayicooday Abuu Bakar labo goor. Mar waa markii hore ee la doortay, marka kalena waa kadib markii ay geeriyootay Faadimah bint Rasuulillaah SCW oo ay horey arrini ka dhex dhacday iyada iyo Abuu Bakar Siddiiq. Arrintaasina ma ahayn mid sidaa usii buuran

Taasuna sababteedu waxay ahayd Faadimah ayaa weydiisatay Abuu Bakar inuu siiyo dhul istaraatiiji ahaa oo uu Rasuulka SCW lahaa. Abuu Bakarna waxuu usheegay in dhulkaasi uusan siinahayn, waayo buu yiri Rasuulka SCW ayaan horey uga maqlay isagoo leh:- Haddaynu nahay kulanka Ambiyada (yacni Nebiyada) nalamo dhaxla oo waxaynu ka tegnaana waa sadaqo. Faadimah way isaga tegtay Calina markaa inkastoo uu la mubaayicooday haddana waxuu ku mashquulsanaa dabiibinta iyo la tacaalidda Faadimah oo markaa xanuunsaneyd. Markiina ay geeriyootay dhimashadii aabaheed (Nebiga SCW) kadib muddo laga joogo 6 bilood, buu Cali mar kale jadiidiyey baycadii oo la mubaayacooday Abuu Bakar oo oo misna usoo jeestay la shaqeynta khaliifadii Rasuulka SCW. Waxaana arki doonnaa inuu Cali kamid ahaa Raggii ugu cad caddaa khilaadii Abuu Bakar.

Dhanka kale Abuu Bakar Waxuu ahaa mid ahlu beydka Rasuulka SCW si aad u weyneyn jirtay aadna u jeclaa, sidooy tahayna wuxuu ahaa mid ku ad adag kitaabka iyo xukunka Alle,oo waxuu ahaa mid ku qayidan kitaabka Alle iyo sunnaha Rasuulka SCW.

Haddaba Abuu Bakar markii la doortay waxuu goobtaa ka jeediyey khudbo gaaban oo misna aad u qiimo badan. Khudbaddiisaasi waxay ahayd sida tan:

Dadoow! anigu waala iiga kiin madax dhigay, mana ahi kiinnii idinkugu kheyrka badnaa. Iigu gargaara haddii aan toosnaada, haddii aan gafana i qabta. Runtu waa amaanoo beentuna waa khiyaano, kiinnii daciifka ahina agteyda awood buu ku leeyahay jeer aan xaqiisa siiyo. Kiinnii ugu awoodda badanna agteyda wuu ka itaal daranyahay jeer aan xaqa kasoo qaado. Majirta umad ka tegto jihaadko illaa Alle wuu dulleeyaa.

Diriddii Ciidanka Usaamah

Haddaba markii la doortay Abuu Bakar waqtigaasi Muslimiinta waxaa soo wahajday arrin adag oo qabaa’ilkii oo idil baa ka baxay diinta Islaamka geeridii Rasuulka SCW ka dib, qaar kalana waxay diideen inay bixiyaan sakadii oo waxay ku andacoodeen in sakaba lagu lahayn mar hadduu Rasuulkii SCW dhintay. Dadku waxay u qaybsameen kuwa nifaaq ka buuxay oo dhimashadii Rasuulkuba SCW ay ku noqotay bishaaro iyo guul ay heleen iyagoo markaana ay neeftii nifaaqa kasoo go’day. Kuwaasi si deg deg ah bay ku ridoobeen. Iyo kuwa iyagu Nebinnimo sheegtay oo iimaanlaawayaal ahaa oo been badnaa sida Museylama Al Kaddaab iyo Aswad Al Canasi iyo kuwa kale. Waxaa sidoo kale jiray kuwa iyagu noqday dameer dhaan raacday oo odayaashoodii daba naashleeyey jeer ay qaarkood jahannama ula safreen, iyo kuwa islaamka ku sugnaaday hase ahaatee diiday sakada inay bixiyaan sidaynuba soo xusnay. Xaaladdaasi cakiran iyo jawigaasi foosha xun baa hor istaagay Abuu Bakar, waxuuse uga gudbay caqligiisii iyo Illaah oo garab istaagay, heer muddadii koobneed ee khilaafadiisa uu jaziiraddii oo idil sifeeyay oo nadiif ka dhigay, kuna soo celiyey gacantii Islaamka.

Waxaa Islaamka ku sugnaaday magaalooyinkii Madiina, Makka iyo Dhaa’if iyo qaryo kutiillay Baxreen oo la oran jiray Jawaatha. Jawaatha waxay noqotay qaryadii ugu horreysay ee salaadda jimcaha lagu oogo kadib markay dadkii xaqa usoo noqdeen oo Islaamka usoo laabteen.

Xaaladdu waxay noqotay mid daran oo qaraar. Sidaa oo ay tahay waxaa jiray ciidan yara culus oo ciidankii Islaamka ahaa oo malaha edbin lahaa kuwii riddoobay, xaaladda qallafsanna ka saari lahaa umaddii Islaamka. Ciidankaasi waxuu ahaa cududdii Islaamka oo waxuu ahaa ciidankii Usaama bin Zeyd uu Rasuulka SCW horey ugu diyaariyey inay ku duullaan dhulka Shaam. Ciidankaasi markaa iyada ahi waxaa ku jiray Abuu Bakar Siddiiq, Cumar bin Khadaab iyo odayaashii asxaabta. Waxay ku hakadeen ciidankii goobta Jurfa markii uu Rasuulka SCW xanuunsaday oo sakaraadka qabtay. Waqtigaasina waxuu salaaddii amray Rasuulka SCW inuu dadka tujiyo Abuu Bakar oo ciidankii kasoo reebay. Usama bin Zeyd markaa waxuu ahaa 17 jir ama 18 jir. Haddaba intuusan Usaama bixin buu Rasuulka SCW geeriyooday, kadibna waxaa la doortay Abuu Bakar. Markii Abuu Bakar la doortay oo qabaa’ilkii Madiina hareeraheeda deganaana ay diinta ka baxeen bay qaar kamid saxaabadii oo ay kamid ahaayeen Abuu Ayuub Al Ansaari, Abuu Dardaa Al Ansaari, Cumar bin Khaddaab iyo kuwa kale baa Abuu Bakar u tilmaamay in ciidanka Usaama la dirin maadama xaaladda magaallada ay cakirantahay oo reer miyigiina ay doonayaan inay soo weeraraan.

Waxay yiraahdeen iyagoo arrintaasi Abuu Bakar kala hadli:- Oo maxaad ciidanka Usaama u direysaa iyadoo Carabi riddoowday guud ahaan iyo gaar ahaan qabiilladii oo idil, iyadoo xidiggii nifaaquna uu bidhaammay, Yahuuddii iyo Nasaaradiina ay kacday oo Muslimiintiina ay yaraadeen, cadawgooduna batay?

Abuu Bakar wuu diiday waxaan ka ahayn inuu diro ciidankii Usama, oo waxuu go’aansaday in la diro oo waxuu tilmaamay inuusan daw ku lahayn inuu celiyo ciidan uu horey Rasuulka SCW u diray iyo in weliba uu hoggaanka ciidanka ka baddelo Usaama oo ahaa nin uu horey Rasuulka SCW u magacaabay. Kaasoo markaa ka hor dadku qaarkiis ay yiraahdeen halaga bedallo hoggaanka ciidanka. Arritaasina waxay la direen Cumar si uu Abuu Bakar u gaarsiiyo, hase ahaatee Cumar waxuu kala kulmay agta khaliifkii Rasuulka SCW caro iyo canaan kulul. Markii uu Cumar Abuu Bakar gaarsiiyey warka ah in odayaasha saxaabadu ay Abuu Bakar ka dalbanayaan in ciidanka laga badallo hoggaaminta Usaama, ntuu Abuu Bakar si aad ah u carooday ayuu Cumarna ku canaantay. Dabeeto Abuu Bakar waxuu amray in uu baxa ciidanka Usaama, asagiina wuxuu abbaaray xeradii ciidanka ee Jurfa bal si uu u sogootiyo oo u lana dardaarma. Intaasi kadibna waxuu u diray dhankii Shaam oo ah halkiii uu Rasuulka SCW horey ugu cayimay, waa goobtuu horey Rasuulka SCW ugu diray ee Daaruum iyo Bulqaa, waxuuna amray inuu gaaro goobtii aabahii Zeyd iyo Jacfar iyo raggii Mu’ta lagu dilay. Waxaa kaloo uu Abuu Bakar Usaama amray in uu la tashado ragga akhyaarta ah ee saxaabada oo ay kamid ahaayeen Abuu Ayuub Al Ansaari, Abuu Dardaa iyo kuwa kale oo badan. Wuxuu intaa dabadeed ka codsaday inuu Cumar ka reebto bal si uu xaaladda ugula tashado, isagiina wuu ka yeelay.

Abuu Hureyrah Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye uusanna jirin Illaah kale isaga mooyaane, haddii Abuu Bakar la doortay Alle inaan la caabudeyn. Mar kowaad iyo mar labaad iyo mar saddexaad buuna yiri sidaa. Waxaa lagu yiri:- Oo sabab Abaa Hureyroow!? Waxuu yiri:- Rasuulka SCW baa Usaama u diray dhanka Shaam isagoo madax u ah ciidan 700 ah, markiina ay degeen goobta Dii Khashab baa Rasuulka SCW la oofsaday, dabeetana Carabtii hareeraha Madiinana ay wada riddoobeen. Markaa bay asxaabtii Rasuulka SCW isaga (Abuu Bakar) u tegeen oo ku yiraahdeen:- Abaa Bakaroow! celi oo ha dirin ciidankan ku wajahan dhanka Ruum iyadooy Carabtii hareeraha Madiina oo idili riddoobeen. Markaasuu Abuu Bakar yiri:- Allihii Illaah isaga kasokeeya uusan jirin baan ku dhaartaye! haddii ay eeyahu hoos or-ordayaan lugaha hooyooyinka Mu’miniinta yacni dumarkii Rasuulka SCW hoostooda, marna celin mahayo ciidan uu Rasuulka SCW diray oo mana siibaya calan uu Rasuulka SCW xiray.

Bal fiiriya iimaankii Abuu Bakar halkuu gaarsiisanaa, waxay ahayd xilli ay xaaladdu cakirneed, waxuuna wax waliba ka hor mariyey inuu fuliya howshii uu Rasuulka SCW qabyada uga tegay. Maadaama uu horey Rasuulka SCW u diray ciidankaasina waxuu Abuu Bakar aaminsanaa inuusan marnaba hoogayn oo Alle guul iyo wanaag ku dhammeyn doona. Waxuu sogootiyey ciidankii oo la dardaarmay, gaar ahaanna waxuu la dardaarmay Usaama oo guul iyo kheyrna Illaah uga baryey, waxuuna amray inuu la tashto ragga akhyaarta saxaabada ah. Haddaba ciidankii wuu baxay. Qoom kastooy sii maraanna waxay lahaayeen:- Haddii aanay dadkan (Muslimiinta ahi) awood lahayn ma aanay soo diri laheen ciidanka intan dhan. Waxayna is oranayeen bal isku eega iyaga iyo Ruumaanka oo haddii laga adkaado waa sidaanu rabnay, haddaysa adkaadaan u noqda wixii aad horey uga baxdeen (Islaamka).

Dhanka kale waxay taasi fajac iyo yaab ku noqotay boqortooyadii Ruumaanka ciidanka dhulkooda waqtigan kusoo duulay iyadoo weliba saaxiibkood (Muxammed SCW) uu geeriyooday, waxayna arrintaasi ku ridday Ruumaanka niyad jab, rucbi iyo argagax oo way jabeen, markaa bay Muslimiintiina khalqi badan ka dileen, waxna ka soo qaniimeysteen iyagoo bad qabana magaaladoodii Madiina kusoo laabteen muddo 40 ama 60 casho ah kadib.

Waxuu ciidankan Usaama ku tusin heerkii iimaanka Abuu Bakar uu gaarsiisana, sidooy tahayna waxuu Abuu Bakar ahaa mid ay ku weynayeen amarrada Rasuulka SCW oo wax waliba ka hor marin jiray fulintooda. Sidaa darteed buuna marna aaminsaneyn inay arrin uu Rasuulka SCW horey u falay inaysan ku dhammaaneyn waxaanan kheyr ka ahayn. Haddaba ciidankii Usaama waxuu ahaa dharbaaxo ka yaabisan quwaddii Ruumaniska oo yaab iyo amakaag ku noqotay heer uu boqorkoodii yiri:- Oo waa maxay kuwa kan ee saaxiibkood geeriyooday oo baladkayagiina kusoo duulaya? Arrintaasi wax lala yaabo ma aysan ahayn oo Abuu Bakar waxuu ahaa nin muddo la soo dhaqmayey Rasuulka SCW, waxuu ahaa mid uu Rasuulka SCW soo tarbiyeeyay.

Dhanka kale ciidankii Usaama waxuu yaab iyo amakaag ku riday kuwii diinta ka riddoobay oo qaarkood markay arkeen ay dib ugu soo laabteen Islaamka, waxayna ahayd guul iyo lib isoo hoyatay Islaamka.

La Dagaallankii Dadkii Riddoobay & Kuwii Sakada Diiday

Waxaynu soo xusnay in markii Rasuulka SCW la oofsaday Carabi ay riddowday oo xiddiggii nifaaquna uu Madiina ka bidhaamay, heer ay qaar kamid ah dadkii daganaa magaalada hareeraheeda ay damceen inay soo weeraraan magaallada oo ay ka faa’ideystaan fursaddii dahabiga ahayd ee ay ciidankii Usaama magaalada kaga maqnaayeen. Haddaba markaa bayna qaar kuwaa kamid ahi Nebinnimo sheegteen oo markaasi Museylama Al Kaddaab reer banii Xaniifa badankoodii la go’ay, oo ay iyagiina indha la’aantiisii ku raaceen. Sidaa si lamid ahna waxaa Nebinnimo sheegtay Aswad Al Canasi oo Yemen ku sugnaa oo kala eryay masuuliyiintii halkaa Rasuulka SCW u joogtay, dabeetana waxay yimideen masuuliyiintaasi magaalladii Madiina.

Runtii waxay ahayd goor ay xaaladdu adkeyd oo Muslimiinta meel waliba uu cadawgooda ka jiray. Waxaa kaloona Nebinnimo sheegtay Julundaa Al Usdi saaxiibkii reer Cumaan, Dhuleyxa bin Khuweylid Al Asdi iyo Sujaax bint Xaarith At Taqlabiyah. Qaar kale waxay diideen inay bixiyaan zakadii, hase ahaatee acmaasha kale sidooda caadiga ah bay ula yimaadeen. Dhammaan dadkaasu iyaga ahi Abuu Bakar isku si ayuu ula dagaallamay, inkastoo uu isku meel dhigin oo qolaba si goonni ah uu xaqeedii umiisay, mise zakado ha diido ama yaanay diidine, waxuuna go’aansaday inuu ku duulo ka hor intaysan kusoo duulin kuwii deganaa hareeraha Madiina. Guud ahaanna waa kuwa qabaa’ilkii riddoobay iyo magacyadooda.

  1. Waxaa riddoobay banii Asad iyo Qadfaan oo madax ka dhigtay Dhuleyxa bin Khuweylid oo isagu Nebinnimo sheegtay.
  2. Waxaa kaloo riddoobay Kindah iyo intii soo raacda oo uu madax uyahay Ashcat bin Qeys Al Kindi.
  3. Sidoo kale waxaa riddoobay Mudxij iyo inta soo raacdo oo uu madax u yahay Al Aswad bin Kacab Al Canasi oo Yemen ku sugnaa, sheegtayna Nebinnimo.
  4. Waxaa kaloo riddoobay Rabiicah oo uu hoggaamin Macruur bin Nucmaan bin Al Mundir.
  5. Banii Xaniifana iyana wey riddoobeen, waxaana madax u ahaa saaxiibkood Museylama bin Xabiib (Museylama beenaale) oo Nebinnimo sheegtay.
  6. Waxaa riddoobay banii Saliim oo uu hoggaaminayey Al Fujaa’ah oo magaciisa saxda ahna la oran jiray Anas ama Ilyaas bin C/Yaaleel.
  7. Banii Tamiimna qaar kamid ah ayaa riddoobeen iyadoo ay hoggaamineyso haweeney la oran jiray Sujaax oo Nebinnimo sheegatay, taasoo ka dhalatay reer Taqlab.
  8. Waxaa sidoo kale riddoobay reer Cummaan oo uu hoggaaminyey nin la oran jiray laqabkiisu Dut-taaj magaciisuna uu ahaa Laqiid bin Maalik, waqtigii jaahiligana loo yaqiinnay Julandaa. Waxuu ninka kan sheegtay Nebinnimo.
  9. Sidoo kale waxaa riddoobay reer Baxreen, oo madax ka dhigtey Mundir bin Nucmaan

Haddaba waxaa Abuu Bakar is hor taagay Cumar bin Khaddaab oo ku yiri:- Khaliifkii Rasuulkoow! oo sideed ula dagaali qoom salaaddii tukan oo soomi xajkuna tegi? Ma Carab oo idil baanu la dagaallami karnaa? Waxuuna dhanka kale tilmaamay in kuwaasi la barbar dhigin kuwan iyagu riddoobay, oo misna waxuu tilmaamay in xaaladdu ay cakirantahay oo aanay suuro gal ahayn in Carab idil baa lala dagaallami la yiraahdo. Abuu Bakar waxuu yiri isagoo Cumar u jawaabaya:- Oo ma waxaad ahayd mid ad adag oo xoog wax ku maamusha waqtigii jaahiliga, haddana ma waxaad noqotay mid Islaamka ku dabacsan oo taag daran? Waxuu kaloo yiri:- Illaah baan ku dhaartaye waan la dagaallami ciddii kala geyso salaad iyo zako, oo waan la dagaallami ciddii ii diiddo dabar ama waxar ay Muxammed SCW siin jirtay.

Markaa iyada ahi oo Madiina loo wada baqayey, ayuu Abuu Bakar Siddiiq amray qaar kamid ah madaxdii iyo raggii ugu sar sareeyay dowladdii islamka inay hareeraha magaallada difaac culus ka galaan raggaana waxay kala ahaayeen C/Raxmaan bin Cowf, Cali bin Abii Daalib, Zubeyr bin Al Cawaam, Sacad bin Abii Waqaas, Dhalxa bin Cubeydillaah iyo C/llaahi bin Mascuud. Waxaa kaloo uu amray in masjidka heegan lagu noqda. Sidaa darteed qof kastoo hub qaad ahi masjidkuu seexan jiray. Waqtigaasina waxay ahayd markii ciidankii Usaama uu maqnaa.

Kadib Abuu Bakar waxaa u yimid wafti kasocday banii Asad, Dhayi iyo Qadfaan iyo reer miyigii kalee qallafsanaa. Waxay markii hore u tegeen Al Cabbaas bin Cabdimudalib oo isagu u geeyay Abuu Bakar. Markaasay iyana Abuu Bakar ka dalbadeen in aysan zako bixin oo aananba lagu lahayn wax zako ah mar haddii uu Rasuulka SCW geeriyooday. Abuu Bakar wuu kadiiday arrinkaasi. Markaasay laabteen oo tolkoodii aadeen. Abuu Bakar Muslimiintii ayuu u sheegay raggaasi inay usoo bandhigeen in zakada laga dhaafo oo aanan wax zako ah lagu lahayn, wuxuuna sidoo kale u sheegay inuu arrintaasi ka diiday. Waxaa kaloona uu usheegay inay raggu u arkeen reer Madiina kuwa itaal yar oo aanan awood lahayn, waxuuna amray inay hubkooda diyaarsadaan heeganna ay ku noqdaan masjidka, waayo lamo hubo buu yiri dharaar ama habeen kolkay idinku soo duuli lahaayeen.

Haddaba waxaa dhacday siduu Abuu Bakar horey u tilmaamay oo reer miiyigii waxay tolkoodii ula tegeen khabar ah in uusan Madiina joogin wax ciidan ah, ciidankii weynaa ee magaaladuna uu jira Shaam. Markaa bayna kusoo duuleen magaalladii iyagoo fursaddaasi ka faa’ideysanaya. Waxay soo kala degeen goobaha Dul Xisaa iyo Dul qasaa oo magaalada Madiina wax yar u jira qayaastii.

Abuu Bakar waxuu soo kallahiyey goor aroor ah cidamadiisii oo uu dhanka midigtana u dhiibay Nucmaan bin Muqarrin, bidixdana C/llaahi bin Muqarrin halka uu gaadada dambee ciidankuna uu madax uga dhigay walaalkood Suweyd bin Muqarrin, waxayna labadii ciidan yacni reer miyigii iyo kuwii Muslimiinta isku heleen goobaha kala ah Dul xasaa iyo Dul qasaa oo qabaa’illaddii Carbeed si ba’an loogu jebiyey heer markii dambe ay dabada rogteen oo jihadoodii hore ku rooreen. Waxaana goobtii ku hoogay isbahaysatadii banii Dibyaan, Cabas, Murrah iyo gurmad uu usoo diray Dhuleyxa bin Khuweylid oo uu hoggaaminayey wiilkiisa Xibbaal bin Dhuleyxa bin Khuweylid. Intaa kadib Abuu Bakar waxuu kusoo laabtay magaaladii Madiina isagoo guul iyo qaniimana kasoo helay cadawgiisii. Markaana waxaa yimid magaallada Madiina qaar kamid ah raggii zakada loo diray, oo waxaa yimid gelinkii horee habeenkaasi Cadiyi bin Xaatim oo keenay zakada jihadii horey loogu diray, waxaana Abuu Bakar bishaarada zakadaasi soo gaarsiiyey C/llaahi bin Mascuud ama Abuu Qataadah Al Ansaari. Nuska dhexa ee isla habeenkaasi waxaa yimid Safwaan oo keenay zakada jihadii horey loogu diray, waxaana Abuu Bakar ugu bishaareyay imaanshaha Safwaan iyo zakaduba Sacad bin Abii Waqaas. Isla habeenkaasi aakhirkiisii waxaa yimid Zabarqaan bin Bader oo keenay zakadii jihadii loo diray oo ah qaar kamid ah tolkiisa banii Tamiim. Ninkii Abuu Bakar ugu bishaareyey imaanshaha Zabarqaan iyo zakadiisiina waxuu ahaa saxaabiga jaliilka ee C/Raxmaan bin Cowf.

Haddaba waxay ahayd guul iyo nasri uu Illaah usoo dejiyey addoomadiisa Muslimiinta ah goor ay xaaladdoodu cakirneed oo meel xun mareysay, oo hareerahoodii oo idil ay cadaw u noqdeen. Waxayna ahayd guushii ugu horeysay ee uu Abuu Bakar ka helo cadawgiisii, gaar ahaanna dadkii riddoobay. Arrimahaan oo dhamina waxay ku tusin heerkii uu joogay iimaankii Abuu Bakar oo horey ayuu u yiri:- Waxaan kula dagaallami amarka Alle jeer uu Alle inooga oofiyo ballantiisii, oo la dilo midkayagii la dili lahaa oo uuna dhinta isagoo shahiid ah kana mid ah ahlu Jannada, oo uuna haro kaayagii hari lahaa isagoo guul iyo liibaan helay.

Habeenkaa iyada ahi ee uu Abuu Bakar guusha la soo hoyday oo zakooyinkii qaar kamid ahna yimideen, waxay ahayd goor laga jooga geeridii Rasuulka SCW lixdan casho. Kadibna waxaa yimid ciidankii Usaama bin Zayd oo iyaguna Ruumaankii kasoo guuleysay. Abuu Bakar waxuu amray inay ku haraan magaallada oo ay nastaan maadama ay muddo maqnaayeen oo masaafo fogna ka yimideen. Wuxuuna markaasi kaxaystay ciidamadiisii kala soo dagaallamay Dulqasaa iyo Dulxisaa oo uu ku rogaal celiyey Dulqasaa si uu dhoolo tus ugu sameeyo goobtaas iyo nawaaxigeeda oo looga haybeysto, tanina waxay ahayd farsamo uu horey u baray saaxiibkiisii Nebi Muxammed SCW. Waxaa lagu yiri Abuu Bakar:- Oo maad dirto qof kale baddalkaaga? Wuuse ka diiday oo waxuu aaday dhankii Dul qasaa iyo Dul Xasaa iyadoo Nucmaan, Suweyd iyo C/llaahi ilma Muqarrinna ay sidoodii hore labada dhinac iyo gaadada dambe ee ciidanka masuul uga kala yahiin. Wuu socday Abuu Bakar jeer uu dul degay Ahlu Rabdah goobta Al Abraq, waxaana halkaa ku sugnaa koox kamid ah banii Cabas iyo Dubyaan iyo xayn kamid ah banii Kinaanah. Waxaa dhex maray dagaal, kaasoo uu Alle ku jabiyey Xaarith iyo Cowf, waxaana lasoo qabtay Al Xadhiinah oo shaacir caan ahaa qafaal ahaan, markaa bayna Banii Cabs iyo Bakar kala firxadeen, Abuu Bakarna goobtaa waxuu ku sugnaa muddo oo dabeetana magaaladiisii kusoo laabtay kadib markuu Cabas iyo Dubyaan ka faaruqay, isagoo bad qabo soona qaniimeystay ayuuna yimid mar kale.

Abuu Bakar Oo Mar Kale Joogo Dilqassaa & Dhisiddii 11-Ka Ciidan

Markaa iyada ahi waxay ahayd goor uu yimid ciidankii Usaama, Abuu Bakarna uu soo edbiyey dadkii riddoobay ee hareeraha magaallada deganaa. Markaa buuna damcay inuu ciidamadii Muslimiinta isku dhafo oo ciidan culus diyaarsada, kuwaasoo uu isagu laf ahaantiisu hoggaanka uqabto, waxayna ahayd goor ay nasteen oo ay degeen ciidankii Usaama ee masaafada fog ka yimid. Abuu Bakar markaa ayuu seeftiisa galka kala baxay oo isku diyaariyey la dagaalanka dadkii diinta ka riddoobay, oo waxuuna kaxaystay ciidankii Madiina guud ahaan oo wax yarna uga tegay magaalada si ay u difaacaan, waxuuna abbaaray dhankii Dulqasaa oo ah meel Madiina udhaw loogana socda qayaastii dhowr iyo soddon km. Markii uu Abuu Bakar magaallada ka baxayey ayuu Cali ku dhegay hoggaankii daabbadii Abuu Bakar Siddiiq oo ka dalbday inuusan isagu bixin oo uu booskiisa ciidanka masuul uga dhigo nin geesi ah oo halyeeyada Muslimiinta kamid ah, oo haddii kaa la dilana uu markaa mid kale magacaabi karo, laakiinse ayuu yiri Cali:- Haddii lagu dilo Khaliifkii Rasuulkoow!! SCW dowladdu nidaam yeelanmeyso oo kala dambeyntii baa meesha ka baxayso oo Muslimiintuna niyad jab weyn baa ku imanayo. Sidaa si lamid ahna qaar saxaabada kamid ah baa Abuu Bakar kula taliyeen. Kadib buuna Abuu Bakar ku qancay fikraddaa quman ee uu Cali usoo jeediyey iyo weliba qaar kamid saxaabada ay usoo jeediyeen. waxuuna dhisay kow iyo toban ciidan oo ciidan waliba uu u xiray calan uuna uyeelay amiir, waxayna ahaayeen 11-kaasi ciidan sida tan:

  1. Waxuu diray Khaalid bin Waliid oo uu u diray dhanka Dhuleyxah bin Khuweylid.
  2. Waxuu misna diray Cikrimah bin Abuu Jahal oo uu udiray dhanka Museylama bin Xabiib (Museylamah Al Kaddaab) oo isagu ku sugnaa Yamaama.
  3. Waxuu kaloo diray Shuraaxbiil bin C/llaahi (Ibnu Xasanah) oo uu ku diray raadkii Cikrimah iyo dhankii banii Xaniifah iyo weliba qaar kamid ah Qudaacah.
  4. Muhaajir bin Abuu Umayah-na waxaa uu u diray dhanka Yemen iyo Aswad Al Canasi iyo weliba si uu ugu gargaaro qolooyinka Al Abnaa- * layiraahdo.

*Al abnaa-gu waa dadkii yimid Yemen waqtigii Seyf bin Diiyazin Al Ximyari uu madaxa ka ahaa Yemen oo idil, waqtigaasoo uu dagaallo kula jiray xabashidii dhulkooda soo weerari jirtay, markaa buuna Seyf bin Dii Yazin u tegay boqorkii Ruum si uu uga gargaaro oo uga hiilliyo Xabashidan nafta u keentay. Hase ahaatee boqorkii Ruum waa uu ka diiday arrintaasi sabab darteed ay isku diin ahaayeen isaga iyo Xabashida oo Nasaaro bay isla ahaayeen. Markaa buu Seyf bin Dii Yazin u tegay boqorkii Kisraa ee waqtigaa Furus xukumi jiray oo weydiistay gargaar iyo inuu ciidan ku caawiya. Markaa buu kusoo daray koox Faarisiin ah oo Xabashidii ka saartay dhulkii Yemen, dabeetana way degeen oo Carabtii bay ka guursadeen, markaa bay hanaankii Carabta yeesheen oo luuqaddiina si wacan u barteen, kadib carruurtii ay ka dhaleen Carabta ayaa loo yaqiinnay Al Abnaa oo waxay ahayeen dad iyagu kusugnaaday Islaamka. Waxayna degnaayeen Yeman. Aswad Al Canasi ayaana dhibaatooyin ku hayey.

  1. Khaalid bin Saciid bin Al Caas Al Umawina waxuu u diray bariga Shaam.
  2. Camr bin Al Caas bin Waa’il As Sahmina waxuu u diray qeyb kamid ah Qudaacah iyo Wadiicah iyo Xaarith.
  3. Xudeyfah bin Muxsin waxuu udiray Ahlu Dubaa.
  4. Dharfah bin Xaajib-na waxuu u diray dhanka banii Saliim iyo intii soo raacdo oo kamid ah Hawaasim.
  5. Suweyd bin Muqarrin Al Muzani waxuu u diray Tihaama oo kamid ah Yemen.
  6. Curfajah bin Harthama Al Baaruqiyu waxuu u diray dhanka reer Mahrah.
  7. Calaa bin C/llaahi bin Dammaad Al Xadrami-na waxuu u diray dhanka Baxreen.

Kadibna Abuu Bakar waxuu ciidan waliba amiirkooda u dhiibay warqad si uu ugu dul akhriyo jamac kasto oo uu sii marabo oo uuna xagga Alle ugu yeero. Waana tan nas kamid ah warqaddii uu Abuu Bakar u qoray dadkaas:

Ku billaabid magaca Allaah Naxariis guud iyo mid gaarba Naxariista

Ka:- Abuu Bakar Siddiiq- Khaliifkii Rasuulka Alle SCW.

Ku:- cid kastoo ay gaarto warqadeydan guud ahaan gaar ahaan kuwii ku sugnaaday Islaamka ama ka laabtay.

Nabadi ha ahaato dusheeda ciddii raacda hanuunka oo aanan u noqon hanuunka kadib baadi iyo hawo.

Oo waxaan ku mahadin Allaaha uusan jirin Alle kale isago mooyaan. Waxaana qiri inuusan jirin mid xaq lagu caabbudo oo aanaan isaga ka ahayn, xaal uu yahay kali oo uusanna jirin wax cibaadada lala wadaajin karo. Oo Muxammedna SCW uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii SCW. Waxaanu ku raalli noqoneynaa waxuu la yimid, oo aanna ku kufrineynaa waxii uu diiday oo waanuna la jihaadeynaa.

Intaa kadib.

Allaah baa Muxammed SCW kala soo diray agtiisa xaq, oo una soo diray dhanka khalqigiisa si uu dadka ugu bishaareeyo (inta rumeyso) uguna digo (inta ku kufrida). Oo waxuu kaloo (Alle) usoo diray (Muxammed) inuu dadka ugu yeero xagga Alle iyo jidka iftiinka badan (ee xaqa ah iyo Islaamka), si uu ugu digo inta nool qowlkuna (yacni cigaaqbta Alle iyo cadaabta) uu ugu waajibo gaalada dushooda. Oo uuna Alle xaqa ku hanuuniyo cidda ajiibto, oo wuuna la dagaallamay Rasuulkii Alle SCW cid kastoo ka jeesatay xaqa jeer uu Islaamkii noqday mid ay tadawac kusoo galaan ama qasab. intaa dabadeedna Alle baa oofsaday Rasuulkiisii SCW, isagoo kasoo baxay xilkii Alle, gutayna wixii dushiisa ahaa. Taas iyada ahina (yacni geerida Muxammed SCW) Alle wuu u caddeyay oo sidoo kalena wuu u caddeeyay dadka Islaamka ah, waxuuna ugu caddeeyay kitaabkiisa Quraanka ah oo waxuu yiri:- Adigu waad dhiman doontaa (Muxammadoow SCW !) iyaguna way dhiman doonaan. ( Suuratu Zumar aayadda 30aa).

Wuxuu kaloo yiri:- Ma aanan yeelin bashar (yacni Aadami) adiga kaa horeeyay inuu waaro, ee ma marka aad adigu dhimato bay iyagu waari doonaan? ( Suuratu Ambiyaa aayadda 34aad).

Oo misna waxuu Mu’miniintii ku yiri:- Muxammed (SCW) ma uusan ahaan waxaan Rasuul ka ahayn, ay tegeen hortii Rusullo, ee ma marka uu dhinta ama la dilo baad u noqoneysaan ciribyadiini (gaallimadii hore) ? Kiinii kastoo dib ugu laabto ciribtiisii hore, Alle wax uu yeeli karaa ma jirto, oo Illaahayna wuu abaal marin doonaa kuwa ku shukriya. (Aali-Cimraan aayadda 144). Haddaba qofkii ay ka ahayd inuu caabbudo Muxammed, haddaba Muxammed SCW dhimay, qofkiise ay ka ahayd inuu caabbudo Allaah, Alle waa uu noolyahay oo dhiman mahayo, mana qabtaan lumo iyo hurdo toona, waana ilaaliyaa amarkiisa, kana cad goostaa cadawgiisa.

Haddaba anigu waxaan idiin dardaarmi cabsida Allaah iyo inaad ka qaadataan saamigiinnii iyo nasiibkii aad ku lahaydeen, iyo waxii uu idin la yimid Nebigiina SCW, iyo inaad weliba ku hanuun dalabtaan hanuunkiisii, oo waxaanna idiin dardaarmi inaad qabsataan oo aad u hoggaansantaan diinta Allaah SW, cidkastoona uu Alle hanuunin waa mid baadiyeysan, ruuxkastoona uu Alle u gargaarin waa mid dulleeysan, qof kastoona Alle sokodii ka raadiyo hanuun waa mid baadiyeysan, oo waxuu yiri Alle Sarreeye:- Oo Ruuxuu Alle hanuuniyo ayunbaa ah kan hanuunsan, cidduuse Alle lumiyo (yacni baadiyeeyo) u heli meysid qof u gargaaro oo hanuuniyo. (Suuratu Kahfi aayadda 17aad).

Waxaa isoo gaaray ka noqoshiinnii diinta ee qaar idinka mid ahi ay ka noqdeen, kadib markii aad islaannimada ku qanacdeen oo aadna ku kadsoonteen Rabbiggiin Allaah iyo idinkoo jaahil ka ahna aad fasheen falkaa ( ka noqoshada diinta Islaamka ) oo aadna ajiibteen Sheydaan. (Waxuuna qoray aayadda 50aad ee Suuratu Kahfi, oo misna qoray aayadda 6aad ee Suuratu Faadir).

Waxaan xaggiinnii usoo diray ciidan ka kooban Muhaajiriin iyo Ansaar iyo intii wanaagga ku raacday, waxaanna amray inaysan cidina ka aqbalin waxaan ka ahayn rumeynta Allaah, oo ayna qofna dilin jeer ay marka hore ugu yeeraan xagga Allaah Sharaf badne oo weyne. Haddii ay ajiibaan oo ay ku raalli noqdaan, oo ayna la yimaadaan camallo suuban waa uu ka guddoomi oo yacni ka yeeli oo wuuna ugu gargaari. Haddaysa diidaan wuu la dagaallami illaa uu ka fulo amarka Allaah. Cid kastoo uu awood uyeeshana inuu qabta ka fakan maayo, oo waxuu ku gubi dabka, oo layn yacni dili, oo waxuuna ka kaxaysan dumarka iyo hantidooda (carruurtooda iyo maalkuba), kana yeeli mahayo qofka waxaan ka ahayn Islaamka. Haddaba ciddii raacda, sidaa baa u wacan oo u kheyr badan, ciddiise iskaga tegto (oonan yeelin) Allaah caajis gelin mayso. Waxaan soo amray farriis sidahayga inuu ku dul akhriyo warqaddeydan jamac kastoo idinka mid ah.

Intaa waxay ahayd nas kamid ah warqaddii Abuu Bakar uu u diray dadkii diinta ka riddoobay , oo uu ku waaniyey xagga Allana ugu yeeray. Waxuuna warqaddaasi u dhiibay amiir kastoo kamid ah 11-kaas ciidan ee u baxayey la dagaallanka acdaada Allaah ee diinta ka riddoowday.

Abuu Bakar Siddiiq markuu ciidan diri waxuu amri jiray inaysan qayaano samayn oo aysan wax kala qarsan yacni markay qaniimooyinka helaan, oo aysanna ballanku jebin, aysanna doorin qofka markay dilaan kadib, oo aysanna dilin ilmaha yar yari, oo aanna la dilin oday waayeel ah hadduusan dagaallameyn, oo aanna geedda timirtana la jarin yacni geedaha iyo dhirtana yaan la jarin, oona la gubin, oo xoolahuna (macno darro) la gowracina mid ay u baahdaan inay quutaan mooyaan, oo ay udhawaanina yacni dilin kuwa qalwadahooda iyo kaanisadahooda Alle ku caabbudi.

Ciidamadii Khaalid oo Dhaqaaqay & Abuu Bakar oo Sagootinaya

Seydkii sanaadiidda, hoggaamiyihii geesiyaasha halyeeygii weynaa ee kamidka ahaa sanaadiiddii Muslimiinta Abuu Suleymaan Khaalid bin Al Waliid isaga iyo ciidankiisu markii ay dhaqaaqayeen oo uu Abuu Bakarna sogootinayey ayuu Abuu Bakar yiri:- Waxaan maqlay Rasuulkii Alle SCW oo leh:- Addoon iyo walaal tolnimo waxaa ugu wanaag badan Khaalid bin Al Waliid seef kamid ah seefaha Illaah ee uu ku salladay gaalada iyo Munaafiqiinta. Haddaba markii uu Abuu Bakar u dhiibay calankii Khaalid ayuu amray inuu ku baxa marka hore dhanka Khaybar si ay reer miyiga ugu maleeyaan inuu jiha kala usocda. Tanna waxay ahayd xeelad uu Abuu Bakar horey uga bartay saaxiibkiis Nebi Muxammed SCW. Intaa kadibna waxuu amray inuu marka hore aado dhanka banii Asad iyo Dhuleyxa bin Khuweylid, kadibna uu usii gudbo banii Tamiim. Dhuleyxah bin Khuweylidna waxuu ahaa markaa ugaaskii banii Asad, waxaa kaloona soo raacay banii Qadfaan oo ku biiray Dhuleyxah, waxaa kaloona kuso biiray banii Cabas iyo Dubyaan, banii Bujeylana waxay usoo direen ciidan si ay u caawiyaan Dhuleyxah, sidaa si lamid ahna banii Ghowth iyo banii Dhayi baa iyaguna u diray gurmad dhankii Dhuleyxa, markaasuu helay ciidan culus.

Markaa ka hor intuusan Abuu Bakar dirin Khaalid ayuu banii Dhayi u diray Cadiyi bin Xaatim Ad Dhaa’yi si uu tolkiisa ugu tego oo ka hor istaago inaysan Dhuleyxah haleelin oo markaa uusan ku dhicin jab in la halligo oo Muslimiintu laayaan. Markaa buuna Caddiyi u tegay tolkiisii oo amray in la baayacoodaan Abuu Bakar Siddiiq, iyagiina waa ay ka diideen oo ay yiraahdeen:- Lama baayactameyno Abul Fadal. Oo ay ula jeedaan Abuu Bakar. Markaasuu Caddiyi ku yiri:- Illaah baan ku dhaartaye waxuu idinla iman doonaa ciidan aanan ka suuleyn inay idinla dagaallamaan jeer aad ka ogaataan inuu isagu (Abuu Bakar) yahay Abul Fixil Al Akbar yacni dabqaadka ugu weyn. Sidaa buu Caddiyi ugu yeeri jiray xagga Alle iyo inay la baayactamaan Khaliifkii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq jeer uu markii dambe soo dul dagay Khaalid bin Waliid oo ciidamadiisii hore ay ahaayeen halyeeyadii Ansaarta uuna hoggaaminayey Thaabit bin Qeys bin Shammaas Al Ansaari- afhayeenkii Rasuulka Alle SCW. Horey waxuu Khaalid u diray dhanka Dhuleyxah labo saxaabi oo kala ahaa Thaabit bin Aqram iyo Cukaasha bin Muxsin si bal ay Dhuleyxah ugu yeeraan xagga Allaah, iyagoo farriin sidayaal ah bayna u tegeen. Markiina ay u tegeen baa la dilay labadii saxaabi oo waxaa dilay Dhuleyxa iyo walaalkiis Salama bin Khuweylid.

Dagaalkii Buzaakhah

Markii ay ciidamadii Khaalid bin Waliid soo gaareen goobtii lagu dilay labadii saxaabi ee ergada ahaa oo waliba meydkoodii la warey ayay Muslimiintii arrintaa aad uga murugoodeen oo quluubtoodii baddashay. Markaa buu Khaalid u weecday dhankii banii Dhayi. Dabeetana waxaa kusoo baxay Caddiyi bin Xaatim oo horey Abuu Bakar ugu diray tolkiisa si uu uga hor istaago inay ku biiraan ciidanka Dhuleyxah, waxuuna Caddiyi yiri:- Khaalidoow!! ii kaadi illaa inta ay ugu cid dirsanayaan kuwoodii ka deg degay ee ku biiray Dhuleyxah si ay uga soo ceshtaan. Oo iyagu waxay ka yaabayaan haddii ay adiga ku raacaan (kuwan) inuu Dhuleyxa laayo kuwa la jooga ee u tegay, haddaba sidaa baan ka jeclahay inay ku deg degaan caddaabte. Markaa buu Khaalidna ka yeelay, oo markii ay muddadii saddexda casho dhammatayna baa waxuu Caddiyi la yimid 500 dagaalyahan ah oo tolkiisa kamid ah, kuwaasoo ah kuwii xaqa usoo laabtay, waxayna kusoo biireen ciidankii Khaalid bin Waliid.

Kadib Khaalid waxuu u weecday dhankii banii Judeylah, markaasuu Caddiyi yiri:- Khaalidoow! ii qabo maalmo, si aan ugu tego, waxay udhawdahay inuu Alle ka nabad geliyo naarta siduu banii Dhayi horey uga nabad geliyaye. Markaa buu Khaalidna ka yeelay. Markaasuu Caddiyina u tegay banii Judeyla oo xagga Alle ugu yeeray, jeer ay markii dambe soo raaceen, waxuuna ula yimid Khaalid isagoo ay la socdaan 1000 rakuubley ah oo kamid ah kuwii xaqa usoo laabtay oo Muslimay, sidii banii Dhayi oo kale bayna ku biireen ciidankii Khaalid. Sidaa darteed waxaa la yiraahdaa Caddiyi waxuu ahaa ninka ugu kheyr badnaa tolkiisa uguna baraka badnaa Illaahay haka raalli noqdee.

Dabeeto Khaalid wuu dhaqaaqay oo waxuu dhex degay buuraha Ajaa iyo Salmaa (Jibaal banii Dhayi) halkaasoo uu ciidankiisii ku dhisay.Kadibna waxay ku kulmeen isaga iyo Dhuleyxa goob la yiraahdo Buzaakha, qaar badan oo Carabta kamid ahna dib bay uga hakadeen oo waxay is yiraahdeen:- Bal isku eega labadan kooxood si aad u ogaadaan cidda adkaato oo guusha yeelato. Dhuleyxah markaa waxuu la yimid qoomkiisii iyo intii soo raacday oo kuwii xaqa ka indhaha la’aa kamid ah. Waxaana la socoday Cuyeynah bin Xisin oo 700 tolkiisa banii Fazaarah hoggaaminayey. Dhuleyxana waxuu maalintaa u xilsaaray ciidankiisa Cuyeynah si uu u dagaal geliyo, isaguna waxuu lahaa waxyi baa igu soo degi oo intuu go’ huwday buu meel fadhiistay. Saa mar waliba waxaa u imanayey Cuyeynah oo ku oranayey :- Ma kuu yimid Jabriil? Asaguna waxuu lahaa:- May. Markaa buu Cuyeynana ku noqonayey ciidanka oo uu dagaalka meeshiisii kasii waday. Sidaa buuna ugu soo noqnoqonayey jeer uu markii dambe Dhuleyxah yiri:- Haah! wuu ii yimid Jibriil. Markaa buu Cuyeynana su’aalay:- Oo maxuu ku yiri? Markaasuu Dhuleyxah tilmaamay inuu Jibriil u waxyooday inay jiri jireen qoomam hore, oo waxuuna yiri:- Waxuu igu yiri Jibriil:- Waxaa kuu ahaan doonto dhacdo aadan illaawi doonin. Markaa buu Cuyeyna yiri:- Waxaan fili inuu Alle ogaaday inay kuu ahaan doonto dhacdo aadan illaawi doonin. Dabteena intuu ciidankii u jeestay buu cod dheer ku qayliyey isagoo la hadlayo tolkiisa banii Fazaarah, oo waxuuna yiri:- Banii Fazaarooy!! inaga kaxeeyo. Markaa bay jabeen ciidankiina jabay oo Dhuleyxana inta faras u diyaar ahaa uu korey buu haweeneydiisii Nawaar-na uu awr diyaar u ahaa saartay buu dhankii Shaam u cararay. Ciidamadiisii way kala firxadeen, in badan oo kamid ahna waala laayey, qaar kalena waala qab qabtay. Markii ay dhaceen wixii dhacay oo helay Dhuleyxah iyo banii Fazaarah bay yiraahdeen banii Caamir iyo banii Saliim iyo Hawzaan:- Waxaanu geleynaa wixii (Islaamkii) aanu horey uga baxnay, oo aan rumeyneynaa Allaah iyo Rasuulkiisa SCW oo waxaanna isku dhiibeynaa xukunkiisa (Allaah) maalkayaga iyo naftayaduba. Dhuleyxah isagu waxuu ku degay banii Kalbi oo uu ku sugnaa deegaankooda illaa uu markii dambe xaqii usoo laabtay oo uu Makka cumro u tegay nolashii Abuu Bakar Siddiiq, kadibna waxuu ku biiray ciidankii Khaalid bin Waliid, oo wuu ka xishooday inuu Khaliifkii Rasuulka SCW hortiisa tego. Dhanka kale Abuu Bakar Siddiiq baa waxuu soo amray Khaalid inuu Dhuleyxah kala tashada arrimaha dagaalka hase ahaatee uusan masuuliyad u dhiiban. Tanina waxay ahayd mid kamid ah xikmaddii Abuu Bakar Siddiiq. Intaa kadibna Dhuleyxah waxuu ka qeyb qaatay dhul furashooyinkii dambe, oo uu raad weyn ku lahaa, sida Qaadisiyah iyo Nahaawunda, kaasoo uu ku shahiiday.

Ammaa Cuyeynah bin Xisin isagu waa lasoo qabtay qafaal ahaan waxaana la geeyay magaaladii Madiina oo Abuu Bakar baa loo geeyay isagoo labadiisa gacmood qoorta loogu xiray. Markiina magaaladii la geeyay isagoo sidaa u xiran, bay carruurtii Madiina guda galeen inay faraha ku dur duraan oo ay yiraahdaan:- Cadawgii Alloow! ma waxaad ka laabateen diintii islaamka? Markaa buu isagiina kujawaabayey :- Illaah baan ku dhaartaye horeyba maanan u rumeyn. Intaa kadib waxuu usoo laabtay Islaamka, Abuu Bakarna wuu ku manna sheegtay oo iska cafiyey. Sidaa si lamid ahna waxuu kumanna sheegtay Qurrah bin Hubeyrah oo ah mid kamid ah madaxdii ciidankii Dhuleyxah oo Cuyeynah horey loola soo qafaashay.

Khaalid bin Al Waliid baa qaar kamid ah asxaabtii Dhuleyxah weydiiyey wixii uu ku oran jiray waala ii waxyooday, markaa bay ka dalbadeen inuu saamaxo oo iska cafiyo hadday usheegaan yacnii oo uusan ku caroon, markaa buu ka yeelay oo ay iyana u sheegeen beentii iyo khuraafaadkii uu akhrin jiray, waxaa kalooyna u sheegeen bishaarooyin uu Dhuleyxa oran jiray:- Waxay boqortooyadeennu gaari doontaa Ciraaq iyo Shaam.

Kadib waxaa yimid wafdigii Qadfaan iyo Banii Asad oo ka dalbay Abuu Bakar cafis iyo iyagoo caddeyn inay xaqii usoo laabteen.

Dhacdo Kale

Dabeeto, intii carartay oo kamidka ahaa ciidankii Dhuleyxah baa inta is aruursaday waxay madax kadhigteen haweeney la oran jiray Ummu Zimmal Salmaa bint Maalik bin Xudeyfah. Waxay haweeneydaan ahayd mid kamid ah dumarkii Seydaaddii Carabta sidii hooyadeed Ummu Qirfah oo kale. Hooyadeed waxaa loosoo qaadan jiray tusaale sharafteedii darteed, taasooy ugu wacneyd wiilasheedii oo badnaa darteed. (Waxay wiilasheedu kala ahaayeen : Qirfah, Xakam, Jurraash, Zimmal, Xuseyn, Shariik, Cabdu, Zufar, Mucaawiyah, Xamal, Qeys iyo Lu’ayi) waxaana lagu sharfi jiray cisadii ay tolkeeda ku dhex laheed. Gabadhan Ummu Zimal waxay markaasi fuushay awr ay laheed hooyadeed oo Carabtu dhexdeeda ay is oran jireen:- Qofkii awrkeeda taabto waxuu heli doonaa 100 geel ah. Waa heerkii ay gaarsiisaneed darteed sharaftii ay Carab dhexdeeda ku lahayd. Waxay haweeneydan dadkii amartay oo ay ku boorisay la dagaalanka Khaalid bin Waliid, markaa baa waxaa kusoo biiray qolooyin ay kamid ahaayeen banii Saliim, Hawzaan iyo kuwa kale. Waxayna noqdeen ciidankeedii ciidan culus. Hase ahaatee Khaalid baa markuu maqlay si deg deg ah uga hortegay oo awrkeedii boqna gooyay, iyadiina dilay khalqi badanna ka laayey, kadibna guushii iyo khumuskii qaniimada (shan meeloodoo meel, 1/5) ayuu dhankii Abuu Bakar u diray.

Qisadii Al Fujaa’ah

Al Fujaa’ah magaciisa saxda ah waxaa la oran jiray Anas ama Iyaas bin Cabdillaahi bin Cabdiyaaliil bin Cumeyrah bin Khafaaf oo waxuu ka dhashay qolooyinka banii Saliim. Abuu Bakar Siddiiq baa ku gubay goobta Baqiic ee magaalada Madiina. Sababtuna waxay ahayd, ninkan intuu u yimid Siddiiq buu usheegay inuu Islaamay, waxuuna ka dalbaday in ciidan lagu daro, si uu ula dagaallamo dadkii riddoobay, markaa buu Abuu Bakarna ku daray ciidan. Markii uu ciidankii la dhaqaaqay buu cid waliba oo uu sii maraaba diley oo uma kala soocin ma Muslim baa mise gaal? Hantidoodana wuu ka dhacay , dhulkii buuna fasahaadiyey. Markii uu Siddiiq maqlay arrintaa ayuu amray in lasoo qabta ninkaas. Markii la keenayna waxuu amray in la geeyo goobta Baqiic oo la gubo, abaal marinta wixii uu falay darteed. Sidii baana la yeelay.

Qisadii Sujaax & Banii Tamiim

Banii Tamiim iyagu waxay isku khilaafeen amarradoodii markii ay dadkii riddoobeen, waxaana ay kala noqdeen, kuwa riddoobay oo diintii ka baxay, kuwa xaqii ku sugnaaday oo zakadii soo dhiibay iyo kuwa iyagu ka gaabsaday oo goostay marka hore inay ogaadaan halka uu xaalku ku dhibci doona. Iyagoo xaaladdaa ku sugan ayaa waxaa u timid haweeney la oran jiray Sujaax bint Al Xaarith bin Suweyd bin Caqfaan At Taqlabiyah. Waxay haweeneydaani ka timid dhanka jaziiradda oo waxayna ahayd mid kamid ah Carabtii Nasaarada ee jasiiradda.

Waxay Shujaax sheegatay Nebinnimo, waxaana la socday ciidan culus oo tolkeeda kamid ah iyo kuwii dhexda kasoo raacay, waxayna goosteen oo qorshahoodu ahaa inay ku duulaan Siddiiq iyo caasumaddii Islaamka ee Madiina. Markanna waxay ahayd xilli ay badatay sheegashada Nebinnimada. Markiina ay Sujaax iyo ciidamadeedii soo gaarteen deegaankii banii Tamiim ayay arrinteedii usoo bandhigay inay ajiibaan dadkii halkaa deganaa (Banii Tamiim) oo rumeeyaan oo ay raacaan, markaa baa waxaa raacay qaar kamid ah saadaaddii banii Tamiim, kuwaasoo ay kamid ahaayeen Maalik bin Nuweyrah iyo Cudhaarid bin Xaajib iyo kuwa kale, kuwa kaloo badanna way diideen. Kadib waxaa la go’aansaday in lawada dagaal galo. Hase ahaate dood iyo su’aal waxay ka istaagtay halkii howl laga billaabi lahaa, waxay markaa Sujaax soo jeedisay in lagu duulo Yamaama oo ay markaana Museylama dhankiisiina u qasadday.

Dadkeedii baa markaa ku yiri:- Ninkan (Museylama) arrinkiisu waa mid weyn oo aan la loodin karin. Hase ahaatee Sujaax waxay tilmaantay in Yamaama lagu duullo dagaal adagba ha noqotee, kadibna waxay tiri:- Wax dhib ah ma arkeysaan Yamaama kadib.

Kadib waxay u guureen dhankii Museylamah si ay ula dagaallamaan, oo markii uu Museylamana maqlay haweeneydaan iyo ciidankeeda kusoo fool leh buu aad uga naxay in dhulka Yamaama uu farahiisu ka baxo, sababtuna waxay ahayd dhanka kale ayaa waxaa dagaal kula jiray Thumaama bin Uthaal oo qaar kamid ah banii Xaniifa iyo ciidama kaloo Muslimiin ahna watey, dhanka kalena waxaa kor dagnaa Cikrimah bin Abuu Jahal oo horey dhankiisa loo diray oo Thumaama caawinayey iyo Shuraxbiil oo isaguna laga daba diray oo daba joogay Cikramah, hase ahaatee wax dagaal weyn ah ma uusan dhex marin weli ciidamadii Cikrimah iyo Museylamah, marka laga reebo inuu Cikramah deg degay dabeetana dib loosoo celiyey. Markaasina waxay sugayeen in uu soo gaaro ciidankii Khaalid ee Dhuleyxah iyo ciidamadiisii Buzaakha ku soo cunay.

Waayo ninkan Museylama waxuu ahaa nin ciidan badan haystay oo waxuu ahaa kii ugu sharta badnaa, waxaana lasheegaa in cadadka ciidankiisu uu dhamaa 40 000 (afartan kun) oo dagaalyahanno ah.

Isagoo Museylama arrimahaa la fajacsan siduu ku maareyn lahaa oo uu ku wajihi lahaa bay xaaladdii ku noqotay kadaroo dibi dhal. Waa tanna ay Sujaax oo hoggaamineyso qaar kamid ah tolkeeda banii Taqlab iyo intii soo raacda oo ay ku jiraan qaar kamid ah banii Tamiim ay soo dul degeen dooxada Yamaama, si ay Museylama faraha isu saaraan.

Kadib Museylamah waxuu u cid diray Sujaax si uu u la heshiiyo. dabeetana isagii baa aaday si uu ula soo naqaasho waxuuna kaxaystay 40 tolkiisa kamid ah. Markii uu u tegay oo ay labadoodii isku soo hareen buuna u bandhigay wax soo saarka dhulkiisa inuu bar kamid ah siin doona, kaasoo sida uu sheegay uu horey usiin jiray Qureesh (waxuu ula jeeda zakadii ay iska aruurin jireen waqtigii Islaamka) waxuuna ka dalbaday inay ka laabato, iyadiina waa ay ka aqbashay.

Kadib waxuu weydiiyey :- Maxaa laguu waxyooday?

Waxay tiri:- Ma tahay inay dumarku hor billaabaan, bal’ee horta adigu maxaa laguu waxyooday?

Kadib waxuu akhriyey khuraafaadkiisii oo ay iyadiina ku tiri:- Waxaan markhaati ka ahay in aad adigu Nebi tahay.

Kadib waxuu ku yiri:- Ma dooneysaa inaan ku guursado, oo qoomkeyga iyo qoomkaadu ay Carab oo idil cunaan (yacni ka adkaadaan)?

Waxay tiri:- Haah!.

Kadibna waxay la joogtay muddo 3 casho ah, waxayna ku laabatay qoomkeedii iyo deegaankeedii ay ka timid. Kadib markay usheegtay in la guursaday ayay ku yiraahdeen:- Oo maxaa meher ahaan laguu siiyey ?

Saa waxay tiri:- La ima siin wax meher ah

Waxay ku yiraahdeen:- Waa arrin ku fool xun mid adiga kula mid ah in lagu guursado meher la’aan. Kadib bay Museylama u soo cid dirtay si ay u weydiiso wixii uu meher ahaan ugu tala galay.

Markaasuu Museylamana ku yiri:- Waxaad ii soo dirtaa mu’addinkaada. Saa waxay u dirtay mu’addinkeedii oo la oran jiray Shabbath bin Ribciy.

Markii uu Shabbath u tegay ayuu Museylama yiri:- Waxaad ka dhex naadisaa qowmkaada Museylamah bin Xabiib Rasuulkii Alle inuu ka cafiyey dushooda labo salaadood oo kamid ah kuwii uu Muxammed (SCW) ula yimid. Waxuuna ula jeedaa labada salaadood ee kala ah Fajarka iyo Cishaaha dambe. Waxuuna yiri:- Waa kuwan (labada salaadood) ayaa meherkeeda. Lacnaddii Alle dushiisa ha ahaato’e.

Labadan salaadood xaqiiqdii waa labada salaadood ee ugu adkaanta badan Munaafiqiinta oo maba tukadaan, sida kusugan xadiis Nebiga SCW laga soo weriyey.

Sujaax waxay kulaabatay tolkeedii, markaana waxay ahayd markii ay maqashay soo galootiga Seeftii Alle- Khaalid bin Waliid uu soo galay qaybo kamid ah dhulkii Yamaamah.

Dilkii Maalik Bin Nuweyrah Al Tamiimi

Ninka kan- Maalk bin Nuweyrah waxuu kamid ahaa madaxdii banii Tamiim gaar ahaan jilibka uu ka dhashay ee reerYarbuuc. Jilibkaasi oo kamid ahaa banii Tamiim ayuuna ka dhashay, wuxuuna ahaa Zaciim banii Tamiim (duqii reer banii Tamiiim). Waa ninkii horey u rumeeyay Sujaax bint Xaarith soona raacay, isagoo tolkiisii banii Yarbuucna amray inay raacaan una gar gaaraan haweeneydan Nebinnimada sheegatay. Haddaba markay Sujaax maqashay soo galootiga Khaalid oo ay dhulkeedii ku laabatay, baa arrintaa waxay dhibtay Maalik bin Nuweyrah oo aad uga shallaayey falkii uu sameeyay. Waxaa deegaan u ahaa goob Al Badhaax, oo uu deganaa. Markaa buu Khaalid dhankiisii aaday. hase ahaatee Ansaartii baa ka gaabsatay inay raacaan, waxayna yiraahdeen:- Annagu gudannay wixii Siddiiq uu na soo amray. Khaalidse waxuu u caddeeyey inaysan jirin warqad uga timid dhanka Khaaliifada Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq, arrintana ay tahay fursad qaali ah oo lagama maarmaan ah in la fuliyo, waxuuna xasuusiyey inuu isagu yahay amiirka ciidankan oo uu arrintaa goostay inuu Al Badhaax ku duulo, waxuuna u caddeeyay inuusan cidina ku qasbahayn inay raacdo.

Kadib Khaalid waxuu u jiheystay dhankii Al Badhaax isaga iyo ciidankiisii, markii uuna laba maalin socday ayaa waxaa ka daba yimid, ergay kasocday dhankii Ansaarta oo dalbanaya in loo suga Ansaarta oo kusoo daba jirta, si ay ugu biiraan ciidanka. Markiina ay Ansaartii yimideen, baa la is wada raacay oo Khaalidna markuu Al Badhaax gaaray ayuu diray wardoonno iyo sirriyaad, waxuuna amray marka hore in xaqa loogu yeero reer Baddaax. Waxaa markaasi rumeeyay in badan oo kamid ah banii Tamiim, kuna qaabilay maqal iyo adeecid, hase ahaatee Maalik bin Nuweyrah isagu wuu diiday waxaan ahayn inuu falkiisa ku sugnaado

Kadib Maalik waala soo qabtay oo loo keenay Khaalid, dabeetana isaga iyo Khaalid baa muddo wada hadlay oo hadalla qallafsan dhex mareen. Dabeeta wuxuu Khaalid amray Diraar bin Al Azwar inuu kurka ka jaro, oo markaa kurka u dheereeyay. Kadib Khaalid waxuu guursaday haweeneydii Maalik bin Nuweyrah oo la oran jiray Ummu Tamiim bint Al Manhaal. Waxay ahayd mid aad u qurux badan, markii ay daahir noqotay buuna la aqal galay.

Abuu Qataadah Al Ansaari ayaa markaa Khaalid kala hadlay dilkii Maalik bin Nuweyrah, dabeetana arrin baa dhex martay, markaasuu Abuu Qataadah aaday Madiina oo Abuu Bakar arrintii uga warramay, Cumarna waxuu ku lahaa Abuu Bakar:- Casil Khaalid waayo waa seef deg deg badane? Abuu Bakarna waxuu lahaa:- Celin mahayo seef uu Alle ku diray Kufaarta. Abuu Qataadah waxuu ka marag kacay inuu Maalik bin Nuweyrah xaqa usoo laabtay oo Khaalid uu dilay isaguu Muslim ah. Kadib waxaa yimid Mutammim bin Nuweyrah oo la dhashay Maalik bin Nuweyrah, kaasoo Abuu Bakar uga eed sheeganayey dilkii walaalkiis Maalik uu Khaalid dilay isagoona markaa ka marag kacay inuu walaalkii soo noqday oo uu Khaalid dilay isagoo Muslim ah. Cumar bin Khaddaab baana ku caawinayey siduu Abuu Bakar ugu gargaari lahaa Mutimmim oo uu Khaalid uga cad goyn lahaa. Goor ay doodi taal, Abuu Qataada iyo Cumarna ay hal dhinac isla yahiin, oo eeddu la saaraya Khaalid, ayuu Abuu Bakar amray inuu Khaalid yimaado magaalada Madiina.

Khaalid bin Waliid wuxuu yimid magaaladii Madiina isagoo lebbisan cambuur bireedkiisa. Dabeeta waxuu yimid masjidkii oo markii uu albaabka masjidka galay baa waxaa usoo istaagay Cumar bin Khadaab oo inta cimaamaddii ka dhusaday ku yiri:- Ma waxaad dishay naf, dabeetana aad xaaskiisa guursatay? Cumar isagoo careysan ayaa wuxuu Khaalid ugu gooddiyey inuu rajmin doona, Khaalidna intaa ma uusan hadleyn oo wuu aamusnaa, isagoo maleysanaya in Abuu Bakar-na uu qabo ra’yiga Cumar mid lamid ah. Markaas baa waxaa soo galay Abuu Bakar, dabeetana Khaalid baa u cududaartay, isagiina wuu ka aqbalay. Waxuuna markaasi Abuu Bakar guday diyadii Maalik ibnu Nuweyrah. Dabeeta Khaalid wuu ka dhaqaqay Abuu Bakar agtiisa asagoo dib ugu laabtay furuntiisii.

Abuu Bakar Siddiiq ma uusan casilin Khaalid oo waxuu u daayey imaaradiisii, waayo Khaalid waa nin la yaqaan, oo halyeey loo muhdo ah, geesi aan goroda laalaadin, kana mid ah mashaahiirtii fara kutiriska ahayd. Mana jirin markaasi abbaanduule kaga qibrad badan arrimaha dagaalka. Haddii uu ku qaldamay dilkii Maalik bin Nuweyrah, sidaa si lamid ah horey ayuu ugu qaldamay banii Judeymah oo uu dad badan oo qafaal ah ka laayey, kadib markay yiraahdeen:- Saba’naa oo la macno ah, waxaan ka baxnay diintayadii hore oo aan galnay diin cusub. Halkii laga rabay inay yiraahdaan:- Aslamnaa -macnaha waynu islaamnay. Ma aysan haggaajin inay yiraahdaan:- Aslamna. Markaasuu Khaalid u maleeyay inaysan Islaamin oo laayey qafaalkooda in badan oo kamid ahaa. Sidaa oo ay tahay Rasuulka SCW ma uusan casilin Khaalid oo booskiisii ayuu u daayey. Sidaa darteed buuna Abuu Bakar u daayey Khaalid xukunkiisii, asagoo ku dayanaya Xabiibkeennii Muxammed SCW.

Dhacdadii Yamaamah & Dilkii Musaylamah

Markii uu Abuu Bakar Siddiiq ka raalli noqday Khaalid oo uuna u cududdaaray, ayuu amray inuu ku dhaqaaqo dhanka banii Xaniifah oo iyagu ku sugnaa goobta Yamaamah. Markaasuu Khaalid la dhaqaaqay ciidankiisii, iyadoo ciidamada Ansaartuna uu hoggaamin Thaabit bin Qeys bin Shammaas. Qola kastoo kamid ah dadkii riddoobayna way sii xaaqeen oo waxay is heleen qaar kamid ah kuwii fardooleydii Sujaax oo iyaguna ay dhaxda ku cuneen (dhaxda ayay ku laayeen oo looga adkaaday murtaddiintii).

Hortii Khaalid intaan loo dirin Museylamah, wuxuu Abuu Bakar dhanka Yamaama u diray Cikrimah bin Abii Jahal sidaynu soo xusnayba, oo uu ka daba diray Shuraaxbiil ibnu Xasanah, waxaase ciidamadii Cikrimah dib usoo celiyey Museylamah, waxayna degeen goob u dhaw Yamaamah oo ay sugayeen soo galootiga ciidanka Khaalid bin Waliid. Markiina uu yimid Khaalid, warkaana uu gaaray Museylamah oo uu hubiyey inuu sakuuro (mid la hubo) yahay, ayuu ciidamadiisii ku dhisay goob la yiraahdo Caqraba oo kamid ah dhulka Yamaamah, taasoo ah baaddiyahii Yamaamana. Waxuuna guubaabiyey ciidankiisii oo, amray inay qiiroodaan, oo maxastooda iyo dhulkooda u dagaallamaan, oo sharafta dumarkooda dhowrtaan, waxuuna ku yiri:- Haddii maanta la idinka adkaado, waxaa la qafaalan dumarkiinii, oo la guursan iyagoo addooma ah, ee u dagaallama sharafta dumarkiinna. Waxuuna labada dhinac masuul uga kala dhigay Al Maxkam bin Dhufeyl iyo Nahaarul Rajjaal (ama Nahaarul Raxaal) bin Canfo’ah bin Nahshal.

Ninka kan ee Rajjaal bin Cunfo’ah, waxuu ahaa Museylama saaxiibkiis oo waxuuba uga marag kacay inuu yahay Rasuul, waxuuna yiri:- Waxaan Rasuulka SCW ka maqlay isagoo leh:- Waxaa amarka (Nebinnimada) ila wadaaga Museylamah bin Xabiib. Lacnaddii Alle dushiisa ha ahaata Nahaar Ar Rajaal bin Cunfo’ah.

Tani waxay ahayd fidno ka weyn tii Museylamah, oo waaba sababtii ay dadkii reer Yamaama ku fidnoobeen badankooda. Waayo ninkan waxuu u soo wafdiyey Rasuulka SCW, oo inta Al Baqra ka dhageystay ku noqday tolkiisii reer Yamaamah. Kadib waxuu yimid waqtigii riddada, oo markaa Abuu Bakar u direy qowmkiisa banii Xaniifah si uu zakada uga soo aruuriyo. Hase ahaatee markii uu u tegay ayuu garab fadhiistay jaallahiisii Museylamah oo weliba uga marag kacay inuu Nebi yahay, oo uuna Rasuulka SCW ka maqlay sidaa isagoo leh:- Waxaa arrinka (Nebinnimada) ila wadaaga Museylamah bin Xabiib.

Bisad yaroowga aabaheed (Abuu Hureyrah) baa waxuu yiri:- Maalin baa waxaan ag joogay Nebiga SCW iyo koox Muslimiin ah, oo uu inagu jiray Rajaal bin Cunfu’ah. Saa Rasuulka SCW baa waxuu yiri:- Waxaa idinku jira nin uu iliggiisu naarta dhexdeeda uu ka weynyahay buurta Uxud

Waxuu yiri Abuu Hureyrah:- Dadkii dhami (xayntii meesha joogtay maalintaa) way wada dhinteen (yacni khaatuma suubban ayay ku dhinteen, shahiid, jihaad iwm ), aniga iyo Ar Rajaal bin Cunfo’ah mooyaan, waxaana iskaga cabsan jiray sifadaa uu Rasuulka SCW sheegay, jeer uu markii dambe Nahaar Ar Rajaal uu Museylama raacay, uguna marag kacay Nebinnimo. Oo fidnadiisii ayaaba waxay noqotay mid ka weyn tii Museylamah.

Waxaa cad dadka cilmiga lagu tuhmo, oo culimada ah, markii ay fidnoobaan in lagu fidnooba. Sidaa darteed bayna reer Yamaama ugu fidnoobeen Rajaal, maadama uu ahaa nin Rasuulkii Alle SCW wax kasoo dhageystay, kana bartay Al Baqrah baa waxay u qaateen kuwa badan oo kamid ah juhaladii reer Yamaamah inuu run sheegi, halka kuwa kalena ay ogaayeen beentaas cad, balse ay ka awoodbadisay qabiil iyo tol jecleysi. Waxayna intooda badani u raaceen ficilladii qabyaaladda ee ma aysan u raacin rumeeyn ay rumeynayaan. Maxaa yeelay waxaa cad in qaar ka mid ah kuwaas ay oran jireen:- Waxaan qiraynaa in Musaylamah uu beenaale yahay, Muxammad-na (SCW) uu runsheeg yahay, balse beenlowga Musaylama ayaanu ka jecelnahay runlowgaa Muxammad (SCW).

Intaa dabadeed Khaalid wuu soo dhawaaday, waxuuna ciidankiisii hore madax uga dhigay Shuraaxbiil bin Xasanah, labada dhinacna waxuu u kala dhiibay Zeyd bin Khaddaab iyo Abuu Xudeyfah bin Cutbah. Ciidankii hore ee Shuraaxbiil baa goor habeennimo ah waxay soo qabteen 40 ama 60 kamid ah fardoolleydii reer banii Xaniifah, oo uu hoggaaminayey Mujaacah bin Muraarah. Waxay ciidamadaasi markaasi ka soo laabteen dakano ay kasoo gudanayeen reer banii Tamiim iyo Caamir, oo waxayna markaa doonayeen inay ku laabtaan ciidankoodii Yamaamah. Hase ahaatee ciidankii Shuraaxbiil ee hore ayaa soo qabtay oo u keenay Khaalid. Markii loo keenay koodii ugu dabeeyay buuna Khaalid su’aalo weydiiyey. Markaasay iyagiina u cududaarteen, oo xaqiiqdiina way ka qariyeen oo marsiiso iyo hadallo raqiis ah oo aanan Khaalid qancinin ayay ku hadleen. Markaas buu Khaalid amaray in kurka laga wada jaro. Waxaa kaloo la sheegaa in uu Khaalid su’aalay markii loo keenay oo uu ku yiri:- Oo maxaad leedahiin banii Xaniifaay!? Markaasay yiraahdeen:- Innagu Nebi baynu leennahay idinkuna Nebi. Markaasuu Khaalid laayey. Kadib waxaa qayliyey nin iyagii kamid ah oo la oran jiray Saariyah. Waxuuna yiri:- Ninyahoow! haddii aad tahay mid berritoole kuwan la doonaya kheyr ama shar, reebo ninkan- waxuu ula jeedaa Mujaacah bin Muraarah. Markaasuu Khaalidna reebtay oo uu ku xiray teendhadiisii dhexdeeda oo ay joogtay afadiisii Ummu Tamiim bint Manhaal. Waxuuna amray inay wanaajiso oo ayna kheyr u dardaaranto.

Markay labadii ciidan isasoo hor fadhiisteen buu Museylamatul Kaddaab ku booriyey ciidankiisa inay sharafta dumarkooda u dagaalan, oo ay qiiroodaan sidii aynu horeyba usoo xusnay. Muslimiintiina horey bay usocdeen oo markii dambe waxay dageen goobtii ay biyaha ka cabbi jireen reer Yamaama meel udhaw. Halkaa ayuuna ciidankiisii dejiyey oo dhisay isagoo calankii Muhaajiriinta udhiibay Saalim Mowlaa Abaa Xudeyfah, calankii Ansaartuna Thaabit bin Qeys bin Shammaas, halka uu calankii Carabta kalana u dhiibay Mujaacah bin Muraarah oo kheymaddii ku dhex jira ( teendhada ku jira ) xeelad dagaal darteed.

Waxaa billaawday dagaalkii oo , goor cabbaar ah markuu socday ayay qaar kamid ah ciidamadii Muslimiinta ee reer miyiga ay goobtoodii banneeyeen, taasina waxay sababtay inay banii Xaniifah galaan teendhadii ay ku jirteen Khaalid xaaskiisa iyo Mujaacah bin Muraarah. Waxayna damceen inay dilaan xaaska Khaalid, hase ahaatee waxaa magan geliyey Mujaacah bin Muraarah.

Dabeeta waxaa soo guddoomay kuwii simbiriraaxday oo is gartay inay khaldameen, umana aysan suuro gelinin inay banii Xaniifah furtaan Mujaacah bin Muraarah. Dhaqdhaqaaqan hore ayaana lagu dilay Nahaar Ar Rajaal bin Cunfu’ah, waxaana dilay Zeyd bin Khaddaab.

Saxaabada iyo Muslimiinta kalaba maalintaa waxay dirireen dirir aad u daran, waxuuna Thaabit bin Qeys yiri maalintaasi:- Waxaa baas lahaaday waxaad dhiggiin uga carartaan. Waxayna dhan waliba iskaga qaylo dhaansadeen iyagoo leh:- Khaalidoow!! nakala saar. Waxaana gees u baxay saddex meelood ciidanka meel kamid ah oo Ansaar iyo Muhaajiriin ah.

Al Baraa bin Maalik-na maalintaa waxuu u guuxay sida libaaxii oo uu marba dhinac u duulay isagoo si aan horey loogu arag u dagaallamaya, waxuuna tolkiisii Ansaarta ku yiri isagoo la dardaarmi kuna boorin dagaalka:- Ansaareey!! yuusanna axad idinka ka mid ahi ku fekerin inuu ku laabto Madiina maanta kadib oo wixii maantadan ka danbeeya ma lihidin magaallada Madiina, waxaad leedihiin Allaah Sarreeye keli iyo Jannada.

Waxay asxaabtu maalintaa is oranayeen:- Asxaabtii suuratu Baqraay! maanta ayuu burey sixirkii Museylamah.

Thaabit bin Qeysna maalintaa waxuu qotay god u jooga gomadaha, oo inta uu kafantiisii huwday ayuu lugaha la galay isagoo calankii Ansaarta sida. Halkaas ayuuna ka dagaallamayey jeer la dilay.

Muhaajiriintii waxay la hadleen maalintaasi Saalim mowlaa Abaa Xudeyfa oo calanka Muhaajiriinta siday waxayna ku yiraahdeen:- Waxaan ka yaabeynaa in dhankaada nalooga yimaado. Waxuuse ku jawaabay:- Waxaan ahaaday mid Quraan xambaara midkii u baas lahaaday haddayba sidaa dhacdo”. Dabeeto wuu dagaallamay jeer la dilay isagoo Shahiid ah.

Zeyd bin Khadaab baa isaguna maalintaa hadlay oo yiri:- Dadoow!! qaniina (oo adkeysta) gowsahiina, oo garaaca cadawgiina, horeyna u socda. Illaah baan ku dhaartaye inaan hadleeyn jeer uu Alle jebiyo iyaga (Cadawga), ama aan Alle la kulmo (oo yacni dagaalkan la igu dilo) oo aan markaa xujadeyda kula hadlo. Waana la dilay isagoo Shahiid ah.

Intaa dabeeto, Khaalid baa waxuu qaatay seeftiisii oo dadkii dhex shabaaxay oo si daran u laayey, wuuna socday jeer uu u dhawaaday Museylamah oo uu ku sigtay inuu dilo, hase ahaate dib ayuu uga soo noqday, oo waxuu istaagay labada qola dhexdooda. Waxuuna dalbaday mubaaraso inay cidi usoo baxdo. Waxuuna yiri:- Waxaan ahay ibnu Waliid Al Cawd, waxaan ahay inankii Caamir iyo Zeyd. Dabeeto waxuu ku qayliyey halkudhiggii Muslimiinta ee maalintaa , oo ahaa:- Waa Muxammadaah!!. Qof usoo baxayna mubaarizo ma uusan sii jirin, kii usoo dhawaadana seefta ayuu ku qaatay. Kadib waxuu u dhawaaday Museylama oo u bandhigay xaqa iyo inuu usoo laabta, hase ahaatee waxaa ka hor istaagay sheydaankiisii, oo wuu diiday. Dabeetana Khaalid wuu kasoo weecday oo waxuu kala soocay ciidankii , si uu u ogaada bal halka laga soo galo, waxuuna kala soocay Ansaar iyo Muhaajiriin iyo reer miyigii kale. Banii Ab (qola ama reer) kastaaba waxuu u dhiibay calan goonni ah si ay hoosteeda uga dagaallamaan, oo loo ogaaddo ciddii maanta cararta iyo meesha Muslimiinta laga soo galayo. Qaddahaan cusubi waxuu ahaa xeelad militeri oo kamid ah xeeladahii uu Khaalid bin Waliid ku hoojin jiray acdaada Alle. Waana tan sababtay inaysan maalintaa Muslimiintii Mar dambe cararin oo , qola waliba waxay is tiri:- Yaadan ceeboobin oo, Muslimiinta maanta dhankaada laga gelin.

Kama aysanna suulin Muslimiintii qaddahaas cusub kadib inay horey ugu socdaan dhanka cadawgooda oo aysan gadaal milicsan, jeer Alle farajkiisii furay oo nasrigiisii soo degay. Markaa bayna ahayd goortuu Alle garabkii ciidankii Museylamah ka baxay oo hoojiyey, jab iyo halaagna ku riday, halka ay Muslimiintuna farxad, nasri iyo guul heleen.

Kadib way daba kaceen, oo ay kurka seefo ugu xiireen , oo si daran u laayeen. Markaa bay reer banii Xaniifah u ordeen beer xaggeeda uu u tilmaamay Al Maxkam bin Dhufeyl. Waxaase arkay Cabdiraxmaan bin Abuu Bakar, isagoo taagan albaabka beerta oo dadkiisii u khudbeynaya, markaasuu waran ku tuuray oo dhuunta kala helay, sidaa buuna Al Maxkam bin Dhufeyl ku hoyday. Beertani waxaa ay ahayd mid dhexdeedu balaadhantahay, oo leh gidaarro aad u dhaadheer. Ciidankii Museylamana tiradoodu aad bay u badneyd oo 40 000 bay ahaayeen. Dabeeto intay galeen bay isku xireen beerta albaabkeeda iyagoo isku halleynaya gidaarradeeda dhaadheer, oo aan marna ku fekereyn in loogu soo geli karo.Musaylama iyo ciidankiisiina waxay billaabeen inay gamuunnadoida kaga soo tuuraan muslimiinta beerta dhexdeeda. Intaa kadib Al Baraa baa fikrad keenay oo muslimiintii ku yiri:- Kulanka Muslimiintoow! i saara gaashaan dushiisa dabeetana waramada kor ugu iigula qaada gaashaanka oo igu tuura meel u dhow albaabka beerta.waxay udhawdahay in la idilo oo aan shahiida, ama inaan albaabka idinka furo. Kadibna Muslimiintii sidii bay yeeleen oo isagiina albaabkii buu furay. Intuusanna albaabka gaarin buu si aad ah ula diriray oo in badanna ka laayey , dabeetana markuu furay albaabkii baa Muslimiintii waxay arkeen dhaawacyada soo gaaray Al Baraa oo isugu jiray darba seef iyo durma waran iyo durid gamuunka.

Intaa kadib waxaa goobta beerta ka dhex dhacay dagaal aad u daran, halkaasoo ay Muslimiintii seefahoodii kaga shaqeeyeen kuwii diinta ka riddoobay oo derbiyada beerta ku dhakanayey, kadib markii laga itaal roonaaday. Waxaana goobtaa looga dilay tiro aad u badan, oo lagu qayaasay 10 kun (waxaa kaloo la sheegaa 21 kun) oo dagaalyahan ah. Muslimiintiina waxaa kaga shahiiday 600 (waxaa kaloo la sheegaa 500) oo kamid ah saadaaddii saxaabada iyo raggii Quraanka xifdisanaa. Sadarrada dambe ayaanna ku yara falaqeyn doonnaa magacyada kuwii ugu caansanaa ee goobtaa ku shahiiday. .

Museylama Al Kadaab isagu dagaalkan ayaa lagu dilay oo waxaa dilay Waxshi bin Xarbi (Mowlaa Jubeyr bin Mudcim). Waxuu waxshi arkay Museylama oo derbi ku dhakanaya, markaasuu inta gamuun ula soo baxay ayuu kusii daayey. Markaasuu gamuunkii dhanka kale uga dusay oo ka dhex baxay. Waxaana isa sii raaciyey Abuu Dujaanah Simaak bin Kharshah oo inta seeftiisii la dul tegay kaga shaqeeyay. Waxaa kaloo lasheegaa inuu ahaa ninkii isasii raaciyey C/laahi bin Caasim bin Camr.

Markii uu waxshi gamuunka la helay Museylamah ayay haweeneydii (Museylama) qasriga ka dhex qayliday iyadoo leh:- Amiirkii waxaa dilay addoon madoow!!.

Goobtan beerta ah ee dirirta ugu darani ay ka dhacday waxaa loogu magac daray Xadiiqatul Mowt (Beertii dhimashada). Macnaha waxaa weeye, waxaa ku hoobtay khalqi badan oo reer Yamaama ah oo lagu laayey. Waxayna Muslimiinta yaqiinsanaayeen mar haddii libta iyo guusha Alle ka siiyo, oo ay ka adkaadaan reer Yamaama, inaysan jiri doonin cid damba oo hor istaagta Muslimiinta Jaziiradda Carabta dhexdeeda.

Kadib waxuu Khaalid diray ilaalooyin iyo wardoonna oo uu u diray qalcadaha Yamaama si ay usoo hubiyaan cidda ku jirta. Kadib waxuu goostay inuu ku duulo qalcadaha oo uu furto, wax ciidan ahina kuma aysan jirin. Waxaa kaliyoo ku jiray dumar iyo carruur iyo waayeello. Hase ahaatee Mujaaca bin Muraarah ayaa Khaalid qiyaamay oo yiri:- Waxaa ka buuxa qalcadahani rag dagaalyahanno ah, hee igula heshii?

Khaalid arrintaa wuu yeelay maadaama ay Muslimiinta dagaallo badan soo galeen , aysanna weli nasan, oo aay aad u tabar dhigeen daal dartii , sabab la xiriirtay dagaalladii isku xig xigay. Haddaba waxuu yiri Mujaacah:- I dir aan u tego’ee si aan uga soo dhammeeyo heshiiska.

Markaasuu Khaalidna diray si uu heshiiska uga soo gunto reer Yamaama. Markii uu Majaacah bin Muraarah u tegay dumarkii, carruurtii iyo waayeelladii ayuu amray inay lebbistaan cambuur bireedyo, oo madaxana koofiyado soo gashtaan, dabeetana ay docyada qalcadda magadaxa kalasoo baxaan, si Khaalid ugu maleeyo inay yahiin ciidan culus oo goobta kujira. Khaalid baa markaa eegay dhankii qalcadaha mise waxuu arkay madaxyo fara badan oo meesha kaasoo jeeda, markaasuu u qaatay sidii uu Mujaacah usheegay inay ku jiraan ciidan qalcadahaas. Waxuuna u kaadiyey heshiis iyo Mujaacah uga soo gunto. Markiina uu furtay goobtii ayuu xaqii ugu yeeray iyana way usoo laabteen. Waxuuna Khaalid u celiyey qaar kamid ah waxyaabahii uu horey uga qabsaday oo kamid ah carruurtii iyo dumarkii (Dagaalka lagu qabsaday). Intii kalena waxuu u diray dhankii Madiina iyo khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Sidiiq. Waxaana Cali bin Dhaalib oo Madiina joogay kaga soo haggaagtay haweeney la oran jiray Khowlah bint Jacfar, taasoona u dhashay Maxamed bin Cali bin Abii Dhaalib oo caan ku ahaa Maxamed bin Xanafiyah.

Waxaa la isku khilaafaa waqtiga (sanadka) uu dagaalkan dhacay, waxaase jira qowl lagu kulmiya aqwaashii laga yiri waqtiguu dhacay. Khaliifat bin Khayaad iyo Maxamed bin Jariir iyo khalqi kamid ah salafkii iyagu waxay yiraahdeen:- Dagaalkan waxuu dhacay sanadkii 11aad. Ibnu Qaanic-na waxuu yiri:- wuxuu dhacay dhammaadkii sanadkii 11aad ee hijriyada.

Al Waaqidi iyo kuwa kalena waxay yiraahdeen:- Waxuu dhacay sanadkii 12aad ee hijriyada. Waxaase lagu kulmiyaa qowlalkaan kala duwan, in uu billawday dagaalkan sanadkii 11aad dhammaadkiisii uuna dhammaaday sanadkii 12aad ee hijriyada. Khaliifat bin Khayaad baala su’aalay oo lagu yiri :” Ma isku raacnaa sidan? Waxuu yiri:- Waa lagama maarmaan.

Abuu Bakar Sidiiq baa wax ka weydiiyey dadkii la soo qafaashay , waxii uu Museylama akhrin jiray , markaasay ka dalbadeen inuu cafiyo , isagiina wuu cafiyey, saa waxay u sheegeen khuraafaadkii uu akhrin jiray. Lacnaddii Alle dushiisa (Museylama) ha ahaatee.

Museylama waxuu riddoobay xayaatadii Rasuulka SCW oo uu Nebinnimo sheegtay. Rasuulka SCW ayuuna warqad usoo diray uu ku leeyahay:

Ka:- Museylamah bin Xabiib Rasuulkii Alle .

Ku:- Muxammed Rasuulkii Alle SCW.

Intaa dabadeed. Anigu waxaa la ila kaa wadaajiyey arrinka (Nebinnimada). oo waxaad madax u tahay Mudar, niguna waxaan madax u ahay Wabar. (Werin kale waxaa kusugan axaad leedahiin qeyb dhulka kamid ah inaguna qeybta kale) hase ahaatee Qureeshtu waa qowm cadaawad badan (xaasidiin ah).

Rasuulkuna waa uu u jawabay oo waxuu u diray warqad. Waxayna ahayd sida tan:

Ka:- Muxammed Rasuulkii Alle SCW.

Ku:- Museylamah beenaale.

Nabadi ha ahaato dusheeda ciddii raacdo hanuunka. Intaa kadib . Dhulka Alle baa iska leh, oo dhaxalsiin cidduu doona, ciribta dambaana waxaa leh mutaqiinta (kuwa Alle ka dhowrsada).

Alle Sarreeye waa uu ceebeeyey Museylamah beenaale oo waxuu soo dejiyey aayaddan:

Oo yaa ka dembi badan (majiree) qof ku been abuurtay Allaah, ama yiri waala ii waxyooday, isagoon loo waxyoon? Qofkii yiraahdo waxaan soo dejin waxa (Quraanka) uu Alle soo dejiyey mid lamid ah, Haddii aad arki lahayd markay dulmi falayaashu (Museylama iwm ) Sakaraatul mowt-ku ku sugan yahiin iyagooy Malaa’ik-tu ku taagi gacmaha oo ayna ku oran : Soo bixiya nafahiina, maanta waxaa laydinku abaal marin cadaab wax dulleeyo’e. Sababtu waxaad Allaah ku oran jirteen dushiisa wax aan xaq ahayn (oo aan wanaagsanayn) oo aad ahaydeen kuwa iska weyneeyo aayaadkiisa. (Suuratu Al Ancaam aayadda 93aad)

Halkaan buu Alle ku fadeexeeyay Museylama beenaale. Mar kale oo horreysay waxaa loo diray Camr bin Al Caas waqtigii Abuu Bakar ka hor. Markaasuu Museylamah yiri:- Oo maxaa cawadan saaxiibkiin ( Muxammed SCW ) lagu soo dejiyey? Markaasuu yiri:- Suurad aad u xeel sarreysa.

Markaasuu yiri:- Oo maxay tahay suuraddaas?

Dabeeta waxuu yiri:- Wal Casr oo uu u wada akhriyey. Dabeeto in cabbaar ah buu Museylama fekeray , markaasuu markii dambe madaxa kor uqaaday oo yiri:- Runtii aniguna mid iyada lamid ah baa la igu soo dejiyey.

Waxuu Camr yiri:- Oo maxay tahay?

Markaasuu Museylama akhriyey khuraafaad. Markiina uu Camr ka dhageystay buu Museylamah yiri :- Sideed u aragtaa Camaroow!!? Waxuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye waxaad ogtahay inaan aniga ogahay inaad been sheegeyso.

Waxay Culamaa’i Taariikh sheegaan inuu Museylamah iska doon dooni jiray sifooyinkii iyo barakooyinkii Rasuulka SCW. Waxaa gaadhay Museylama in Rasuulka SCW uu ceel ku tufay oo biyo badan yeeshay , markaasuu isagiina ceel ku tufay, markaasay biyahiisii gureen , ama gadhaadh noqdeen. Misna wuu weyseestay oo inta weysadiisii qaaday buu waraabiyey beer timreed, hase ahaatee waabay halligsantay oo ay baaba’day. Waxaa kaloo la sheegaa inuu u duceeyay nin isha wax uga dhaceen oo uu u masaxay , hase ahaatee wuuba indha beelay ninkii. Misna carruurta yar yar buu madaxa u salaaxi jiray oo uu oran jiray waa barako, hase ahaatee waxay ilmahaasi noqon jireen mid madaxa weynaado iyo mid carrabku soo dhaco.

Mar baa waxaa dhacday inuu u yimid nin reer miyi ah oo yiri:- Meeyay Museylama? Waxaa lagu yiri:- Ka aamu! Rasuulkii Alle.

Waxuu yiri:- Hah! Rasuul! mayee Wallaahi baan yeeleyn jeer aan arko.

Markii uu Museylama yimid ayuu ku yiri:- Ma adigaa Museylamah?

Waxuu yiri:- Haa!

Waxuu yiri:- Oo yaa kuu yimaada?

Waxuu yiri:- Raxmaan.

Waxuu yiri:- Oo ma nuur buu kuugu yimaadaa mise mugdi?

Waxuu yiri:- Mugdi.

Markaasuu ninkii intuu kacay yiri:- Waxaan qirayaa inaad adigu beenaale tahay Muxamadna runloow yahay, hase ahaatee beenaale reer Rabiica ah ayaan ka jeclahay runloow reer Mudar ah. Sidaa buuna ku raacay indho la’aan isagoo ay toljecleysi ka tambadisay. Isku meel ayaana lagu dilay asaga iyo Musaylah.

Shuhadadii Dagaalkan

Dagaalkan Yemaamah waxaa ku geeriyooday khalqi badan oo kamid ahaa saxaabadii Rasuulka SCW iyo xufaaddii xifdisaneyd Quraanka kariimka ah. Markaa ka horna Quraanku ma uusan kulmisneeyn ee aayaddii loo baahdo waxaa laga qaadan jiray qurraadaas goobtaa ku shahiidday iyo qurraa kale. Waxaa la sheegaa inay ahaayeen tirada saxaabadii ku shahiidday dagaalkan 58 iskugu jirtay Ansaar iyo Muhaajiriin waana inta aan hadda magacyadoodu soo gudbin doonno, hase ahaatee waxaa jiro werrinnada qaarkood kuwa oranayo waxay ahaayeen 70 Allaah baase inaga og. Waxaa kaloona la sheegaa inta kale inay ahaayeen qeyrkooda Muslimiinta kale, oo aanan ahayn Muhaajiriin iyo Ansaar. Haddaba waxaan soo gudbin doonnaa hadduu Alle idmo magacyadii saxaabadii iyo qurraadii ku shahiidday dagaalkan, intaynu hayna, waxayna ahaayeen sida tan:

  1. Abuu Maxammed Thaabit bin Qeys bin Shammaas Al Ansaari, waxuu siday calanka Ansaarta.
  2. Xazan bin Abii Wahab bin Camr bin Caa’id Al Makhzuumi (Waxaa dhalay Cabdillaahi bin Cabdimudallib abtigiis) Rasuulka SCW baa damcay inuu ka badallo magaca Xazan markii uu Islaamay oo uu u bixiyo Sahal, hase ahaatee wuu diiday oo waxuu doorbiday magacii aabahii uu horey ugu baxshay. Waxaa lala dilay wiilashiisa Cabdiraxmaan iyo Wahab iyo wiil ay dhashay xaaskii Xakam bin Wahab (Xakam waxaa adeer u ahaa Xazan bin Abii Wahab).
  3. Zeyd bin Khaddaab bin Nufeyl Al Cadawi. Waxuu la dhashay Cumar bin Khaddaab oo wuuna ka hor Islaamay kana hor shahiiday. Sidaa darteed buuna Cumar oran jiray:– Waxuu Zeyd iiga hor maray labo wanaag, oo kala ah Islaamka iyo Shahaado. Waxaa dilay nin la oran jiray Abuu Maryam Al Xanafi, ama nin ay Abuu Maryam ilmo adeer ahaayeen oo la oran jiray Sabiix Al Xanafi. Wuu Muslimay ninkaasi mar dambe, kadib markuu dilay Zeyd.
  4. Saalim bin Cubeyd (ama ibnu Macqil) Mowlaa Abaa Xudeyfa bin Cutbah. Waxuu siday raayaddii Muhaajiriinta maalintaa iyada ah.
  5. Abuu Dujaanah Simmaak bin Kharshah (ama Simaak bin Aws bin Kharshah) ibnu Lowdaan Al Khazraji As Saacidi, wuxuu ahaa mid kamid ah halyeeyadii Ansaarta.
  6. Shujaac bin Wahab bin Rabiic Al Usdiyu, Xaliif banii Cabdishams. Waxaa la dilay isagoo dhowr iyo afartan jir ah. Waxuu ahaa nin dheer oo dhuuban, kana mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee Islaamay.
  7. Dhufeyl bin Camr bin Dhariif bin Al Caas Ad Dowsi. Wuxuu ahaa ugaaskii reer Dows.
  8. Cubbaad bin Bishir bin Waqash Al Ansaari. Waa mid kamid ah kuwii ugu fadliga badnaa Ansaarta.
  9. As Saa’ib bin Cuthmaan bin Madhcuun Al Jumxi. mid kamid ah dhalinyartii saxaabada ee geesiyaasha ahaa oo kamid ahaa fardooleydii fara kutiriska. Waxaa la dilay isagoo dhalin yaro ah.
  10. As Saa’ib bin Al Cawaam bin Khuweylid Al Asdi, waxuu la dhashay halyeygii weynaa ee Zubeyr bin Cawaam.
  11. Cabdillaahi bin Suheyl bin Camr Al Caamiri. mid kamid ah mustadcafiintii Makka lagu jarribi jiray. Maalintii Bader ayuu Muslimiinta kaga soo biiray dhanka gaalada.
  12. Cabdillaahi bin Cabdillaahi bin Ubay bin Salool. Cadawgii munaafiqiinta, iyo mid kamid ah akhyaartii saxaabada.
  13. Macni ibnu Cadiyi ibnu Jaddu bin Cijlaan Al Ansaari. Waxuu la dhashay Caasim bin Camr.
  14. Abuu Xudeyfah bin Cutbah bin Rabiicah. mid kamid ah kuwii ugu horreeyay ee Islaamay. Magaciisuna waxaa la oran jiray Haashim ama Muhshim, waxaa kaloo la yiraadaa Husheym.
  15. Maalik bin Camr. Xaliif bin Camr, waa mid kamid ah raggii Bader xaadiray.
  16. Yaziid bin Ruqeysh bin Ri’aab Al Usdi. Mid kamid ah asxaabtii Bader, waxuuna ilma adeer la ahaa hooyadii mu’miniinta ee Zeynaba bint Jaxsh bin Ri’aab.
  17. Xakam bin Saciid bin Al Caas Al Umawi. Waxuu ladhashay Khaalid bin Saciid bin Al Caas.
  18. Jubeyr bin Maalik bin Buxeynah, oo la dhashay Cabdillaahi bin Maalik Al Asdi. Waxay xulufo ahaayeen banii Mudallib bin Cabdimanaaf.
  19. Caamir bin Bukeyr ibnu C/yaaliil Al Leythi oo xulufo la ahaa banii Cadiyi bin Kacab. Waxuu la dhashay Caaqil, Khaalid iyo Iyaas ilmo Bukeyr , oo waxay wada xaadireen Bader. Afartuba waxay Islaameen markii uu Rasuulka SCW galay daartii Al Arqam bin Abul Arqam, waxayna ahaayeen raggii ugu horreeyey ee uu daartaasi Rasuulka SCW kula mubaayacooda.
  20. Maalik bin Rabiicah. Waxuu xulufo la ahaa banii Cabdishams oo Qureesh ka tirsan.
  21. Abuu Umayata Safwaan bin Umaya bin Camr.
  22. Yaziid bin Aws oo xulufo la ahaa banii Cabdidaar oo Qureeshta ka tirsan.

23.Xubbay bin Xaaritha Ath Thaqafi, waa mid kamid ah qawjaddii saxaabada.

  1. Xabiib bin Useyd bin Jaariyah Ath Thaqafi, mid kamid ah saxaabadii reer Thaqiif.
  2. Al Waliid bin Cabdishams Al Makhzuumi. Waxaa dhalay Khaalid bin Waliid walaalkiis Cabdishams. waxuu Muslimay maalintii furashada Makka. Hooyadii waxay ahayd Asmaa bint Abii Jahal.
  3. Cabdillaahi bin Camr bin Bujrah Al Cadawiyu.
  4. Abuu Qeys bin Xaarith bin Qeys As Sahmi, waa mid kamid ah dadkii Xabashida u hijrooday.
  5. Cabdillahi bin Makhramah bin Cabdulcuzza bin Abii Qeys Al Caamiri. Waxay qaraabo soko ahaayeen Suheyl bin Camr Al Caamiri.
  6. Camr bin Aweys bin Sacad bin Abii Sarax Al Caamiri. Waxaa Cabdillaahi bin Sacad walaalkiis Aweys bin Sacad.
  7. Cabdillaahi bin Xaarith bin Qeys. Waxuu la dhashay Abuu Qeys.
  8. Suliidh bin Suliidh bin Camr Al Caamiriy.
  9. Rabiicah bin Abii Kharshah Al Caamiriy.
  10. Cabdillaahi bin Xaarith bin Rakhdah. Waxuu kasoo jeedaa qolooyinka banii Caamir.

Intaasi waxay ahaayeen Muhaajiriin, marka laga reebo dhowrkii Ansaarta ee aan soo magacawnay oo ay kamid ahaayeen Cubbaad bin Bishir, Thaabit bin Qeys, Abuu Dujaanah iyo Macni bin Cadiyi iyo Cabdillaahi bin Cabdillahi bin Ubay.

Imminkuna waxaan bartii kasii wadeynaa magacyadii saxaabaddii ku shahiidday dagaalkan Yamaamah, gaar ahaanna Ansaarta, waana sida tan innagoo tixraaceyna tiradii hore:

  1. Cammaarah bin Xazam bin Zeyd bin Lowdaan Al Khazraji. Waa mid kamid ah asxaabtii Bader.
  2. Cuqbah bin Caamir bin Naabiy bin Zeyd bin Xaraam Al Khazraji As Sulami. waxay isku jilib ahaayeen Mucaad bin Jabal, Al Xubaab bin Mundir iyo Al Baraa bin Macruur. Waxuu Cuqbah xaadiray Caqaba iyo dagaalkii Bader.
  3. Thaabit bin Hazaal, waxuu ka dhashay jilibka banii Saalim bin Cowf. Waa mid kamid ah asxaabtii Bader.
  4. Abuu Caqiil bin Cabdillaahi bin Thaclabah Al Khazraji oo waxuu kasii yahay jilibka Jaxjabi. Waxuu xaadiray Bader.
  5. Cabdillaahi bin Cuteyk.
  6. Xaajib bin Zeyd Al Awsi Al- Ash-hali.
  7. Sahal bin Cadiyi.
  8. Maalik bin Aws.
  9. Cumeyr bin Aws.
  10. Dhalxa bin Cutbah, waxuu kadhashay reer Khazraj, gaar ahaan Jaxjab.
  11. Rabaax mowlaa Xaarith.
  12. Jazaa’a bin Maalik bin Caamir, waxuu ka dhashay Jaxjab.
  13. Wadfah bin Iyaas bin Camr Al Khazraji. Waa mid kamid ah asxaabtii Bader.
  14. Jarwal bin Cabbaas.
  15. Caamir bin Thaabit.
  16. Bishr bin Cabdillaahi Al Khazraji.
  17. Kuleyb bin Bishir bin Tamiim.
  18. Cabdillaahi bin Citbaan.
  19. Iyaas bin Wadiicah.
  20. Ascad bin Yarbuuc As Saacidi.

54.Sacad bin Xaaritha (ama Sacad bin Jaariyah).

  1. Sacad bin Xammaam.
  2. Makhaashi Al Ximyari (Xulufo ayuu Ansaartu la ahaa).
  3. Salamat bin Mascuud, waxaa kaloo la yiri : Mascuud bin Sinaan.
  4. Damrah bin Ciyaad.
  5. Abuu Xabbata bin Ghaziyah Al Maazini.
  6. Cabdillaahi bin Uneys (ma ahan kii dilay Khaalid bin Safwaan Al Hudali. Kaasi waxuu nagaaday illaa 54 hijriyada).
  7. Xabiib bin Zeyd.
  8. Xabiib bin Camr bin Muxsin.
  9. Thaabit bin Khaalid.
  10. Farwata bin Nucmaan.
  11. Caa’id bin Maacis.
  12. Yaziid bin Thaabit bin Daxaak. Waxuu la dhashay Zeyd bin Thaabit.

Khaliifat bin Khayaad isagu waxuu leeyahay :” Isku dar intii kaga shahiidday Saxaabada Muhaajiriin iyo Ansaar dagaalkii Yamaama waxay noqonayaan 58. hase ahaate waxaa kutubta taariikhda qaarkood laga arki karaa inay ka badan yahiin intaa, waxaana meela badan ku xusan in ay ahaayeen isku dar saxaabadii ku shahiidday Yamaamah 70 akhyaartii saxaabada iyo xufaaddii kamid ahayd. Haddaba inagoo tixraaceyna qowlka damba ee ah inay ahaayeen 70 ayaa waxaa inoo suuro gashay inaan intaan magacyadooda soo gudbinno, falillaahil Xamdu.

Diin Ka Noqoshadii Reer Baxreen

Baxreen horey Rasuulka SCW markuu dhambaallada diraayey ayuu u diray Al Calaa bin C/llaahi Al Xadramiyu (Calaa bin Al Xadrami) si warqadda uu ugu geeyo boqorkii markaa maamuli jiray oo la oran jiray Al Mundir bin Saawi. Boqorkii waxuu ku Muslimay gacanta Calaa bin Xadrami, oo dadkiisina waxuu ku maamulay Islaamka iyo caddaaladiisa. Rasuulka SCW markii ay tii Alle u timid oo Alle oofsaday, Mundir bin Saawina waxba sidaa u badan ah kamuuna dambeyn oo isagiina wuu geeriyooday. Waxaana la joogay markaa oo uu Nebiga SCW horey ugu diray saxaabiga Camar bin Al Caas. Markaa buu Mundirna wax ka su’aalay Camar xoolahiisa siduu Rasuulka SCW u dardaarmi jiray qofka ay geerida ku xaadirto, oo isagiina uu usheegay. waxuuna sadaqo ahaan ula baxay saddex meelood meel kamid ah hantidiisii.

Haddaba markaa iyada ah kadib bay reer Baxreen riddoobeen oo waxayna u qeybsameen laba kooxood. Koox iyadu waay riddoowday waxayna madax ka dhigteen nin la oran jiray Al Mundir bin Nucmaan bin Mundir. Mid iyagii kamid ah baana waxuu yiri:- Haddii uu Muxammed Nebi yahay ma uusan dhinteen. Oo dadkii reer Baxreenna islaannimadii kuma aysan harin magaalooyinkoodii marka laga reebo qarya la oran jiray Juwaatha sidaynu horey usoo xusnayba. Waxay ahayd Jawaatha qaryadii ugu horeysay ee salaad Jumca lagu oogo kadib markay dadkii xaqa usoo noqdeen sida kusugan kitaabka Bukhaari oo laga soo weriyay Cabdullaahi bin Cabbaas.

Dadkii qaryadaa kusugnaa iyagu waxay ahaayeen kuwa kusugnaaday xaqii, waxaana go’doomin daran ku qabtay qoladii kale ee iyagu riddoobay, heer ay gaajo darteed la adkeysan waayeen oo marrinadii oo idil ay ka xirmeen. Markaa baa waxaa ka dhex kacay nin iyaga kamid ahaa oo la oran jiray Jaaruud bin Mucallaa. Jaaruud kan wuxuu kamid ahaa rag Rasuulka SCW wafdi ahaan ugu tegay oo waxaaba la sheegaa inuu saxaabi ahaa. Waxuu ka dhex kacay tolkiisii si uu ugu caddeeyo xaqiiqda oo waxuu yiri:- Kulanka banii Cabdiqeysoow!! Anigu arrin baan idin weydiin ee iiga jawaaba, waa haddii aad garataane, oo ha iiga jawaabina haddaydaan garan.

Waxay yiraahdeen:- Haggaag ina weydii.

Waxuu yiri:- Ma ogtihiin in Alle u sugnaadeen Nebiyo uu leeyahay ka hor intuusan Muxammed SCW soo saarin?

Waxay yiraahdeen:- Haah!.

Waxuu yiri:- Oo ma ogaateen mise waad aragteen?

Waxay yiraahdeen:- Mayee waan ogaannay.

Waxuu yiri:- Oo maxay faleen ( Xaalkoodu hadda waa sidee )?

Waxay yiraahdeen:- Way dhinteen.

Waxuu yiri:- Haddaba Muxammed SCW dhimey sidayba iyagu u dhinteen. Waxaanna anigu qirayaa oo aan marqaati ka ahay inuusan jirin la caabbuda xaq lagu caabbudaa oo aan ka ahayn Allaah, Muxammedna SCW inuu yahay Rasuulkii Ilaah.

Markasay yiraahdeen:- Innaguna sidaa oo kale ayaanu qireynaa inuusan jirin la caabbuda xaq lagu caabbudaa oo aan ka ahayn Allaah, oo Muxammedna SCW uu yahay Rasuulkii Illaah. Adiguna waxaad tahay kaayagii inoogu fadliga badnaa iyo ugaaskayagii.

Islaannimadii bayna kusugnaadeen. Oo markaa bayna ahayd markii uu Abuu Bakar Sidiiq u diray Baxreen Al Calaa bin Al Xadrami sidaynu horeyba usoo xusnay markii uu dirayey 11-kii ciidan ee uu Dulqassaa ku dhisay. Markii uuna Al Calaa ku dhawaaday Baxreen ayaa waxay is heleen qaar kamid ah ciidamadii Muslimiinta oo uu ku jiray Thumaama bin Othaal Al Xanafi oo markaa ka hor kasoo guddoomay dhankii Yamaamah.

Al Calaa bin Al Xadrami waxuu ahaa mid kamid ah sanaadiiddii saxaabada iyo kuwoodii ugu akhyaarsanaa, oo waxuu ahaa mid kamid ah kuwii cibaadada badnaa oo caabidiinta uu Alle ducadooda aqbali jiray ayuu kamid ahaa. Wuxuu soo dhaweeyay ciidamadii Muslimiinta ee uu meeshaa ku arkay isagoo sharfay oo dejiyey.

Markii uu Calaa u dhawaaday dadkii riddoobay, ayuu Muslimiintii u khudbeeyay oo amray, adkeysi iyo sabar mar waliba, waxuuna ugu bishaareyay inuusan Alle dulleyneeyn mar hadday Muslimiin yahiin, oo waxuu caddeeyay inuusan Alle dulleynin cid ku sugan Muslinnimo, oo ku jihaadeyso jidka Alle oo misna Ansaartii Alle Sarreeye ah.

Dabeeto goor salaad fajar ah buu dadkii tujiyey oo uu jilbo jilbo u fadhiistay oo Alle u baryay oo iyagiina sidiisii oo kale faleen. Markaana waxaa Muslimiinta hayey oon daran oo Alle baa il biyo ah u dolooliyey oo ka waraabiyey ciidamadiisii.

Markii ay isku soo dhawaadeen Murtaddiinta oo markaa watey ciidan culus, oo khalqi tiro badan ah bay dabeeto is hor degeen. Iyagoo sidaa kusugan baa habeen habeennada kamid ah uu Calaa maqlay buuq iyo sawaxan ka yeeraya dhanka cadawgiisa kuwa riddoobay. Markaasuu yiri:- Oo yaa inoo soo baaraya kuwan warkooda? Dabeeto waxaa kacay nin la oran jiray Cabdillaahi bin Xadaf oo inta dhex galay khabar buuxo ka keenay. Waxuu ibnu Xadaf soo arkay qoomka oo wada sakraamay siday khamro u cabbayeen oo caqligii ka tegay. Markaasuu inta soo deg degay khabarkii u keenay Al Calaa bin Xadrami. Intaa kadib Calaa bin Al Xadrami waa uu rartay isagoo ay ciidamadiisii la socdaan, markaasuu ka dul dhacay ciidankii kuwa riddoobay oo si daran u laayey oo dhan waliba u eryaday oo dhufeys waliba u galay, waxaana yaraa inta ka fakatay oo badankoodu goobtaa baala dhigay. Waxuuna ka reebtay maal badan iyo hubkoodii oo waxuu ka qaniimeystay qaniimo tiro badan.

Dadkii habeenkaa hurdayey goobtaa waxaa kamid ahaa oday la oran jiray Xadham bin Dhabiicah oo isagu kamid ahaa odayaashii dadkaa, markaana hurdaayey. Waxuuse kusoo baraarugay goor ay Muslimiintii dadkiisii laynayeen oo dhan waliba u eryanayeen, markaasuu ku deg degay faraskiisii oo damcay inuu kora, hase ahaatee waa uu wareeray oo jihadii ka luntay, markaasuu ku calaacalay:- Yaa itoosiya? Saa nin Muslimiinta kamid ah baa goor mugdi ah ku yiri:- Anigaa kutoosin ee sare lugtaada uqaad. Markii uu lugtii sare uqaaday buuna ka jaray oo seeftii ugu salaaxay. Waxuu Al Xadham yiri:- War is keey raaci. Hase ahaatee ninkii Muslimka ahaa waxuu yiri:- Yeeli mahayo sidaa. Wuuna iskaga tegay, oo isagiina Al Xadham dhulka ayuu si huleel ah ku dhacay. Qof waliboo soo maraana waxuu ka dalbanayey in uu isa sii raaciyo, hase ahaatee cidi ma aysan yeelin jeer uu markii dambe soo maray Qeys bin Caasim. Markaasuu Xadham yiri:- Waxaan ahay Al Xadham ee isa sii key raaci. Markaasuu dilay.

Markii uu Qeys ka tegay buu wax yar ka dib arkay lugtiisii oo meesha tiilay. Markaasuu ka shallaayey oo waxuu yiri:- Halleeyay!! Oo haddii aan ogaan lahaa waxa uu kusugnaa ma aan u dhaqaaqeen.

Dabadeed Muslimiintii waxay daba raacdeysteen kuwii baxsaday ee jabay raadadkoodii. Oo badankoodiina kuwii jabay waxay aadeen dhanka badda oo ay uga sii gudbeen Daariin. Waxayna u raaceen dooman.

Kadib Calaa bin Xadrami waxuu jideeyay in la qeybiyo qaniimadii goobtaa laga helay, kadib markuu ka saaray khumuskii ( 1/5 ) oo waxuu amray in la is fududeeyo oo culeyska la iska bar yareeyo. Markii uu howshii qaniimada ka faaruqay buuna Muslimiintii u caddeyay in ay haleelayaan dhanka Daariin iyo kuwii jabay, si ay uga soo cadgoostaan. Markaa bay Muslimiintiina si talantaali ah u ajiibeen arrinkaas oo u deg degeen, dabeetana waala baxay oo waxaa la tegay xeebtii, si ay doonyo uga raacaan halkaa.

Waxay arkeen inaysan doomyahu u dhaweyn, aysanna ka gaareyn in ay doomya sugaan oo waayo ciidamada acdaada ee riddoobay baa ka fakan oo intaasi ay u noqon fursad dahabi ah. Markaa buu Al Calaa faraskiisii badda la galay isagoo leh:- Inta naxariisato kan ugu naxariista badanoow! Kan falka suubban oo sharafta badanoow! Kan keliga ah ee deeqtoonoow! Kan nool waxna nooleeyoow! Kan khalqiga maamulo oo weynida iyo sharafta usaaxiibka ahoow!, Alle kala ma jiro aan adiga ahayn, Rabbigannoow!!. Dadkiina waxuu amray inay sidaa falaan, markaa bay sidaa faleen oo gaadiidkoodii badda la galeen, wayna ku dhex socdeen iyadoona awrtoodu gomadahooda biyuhu u gaareyn, farduhuna aysanna u gaareyn jilbaha. Waxayna dhexsocdeen baddii jeer ay tegeen dhankii kale ee birriga oo ay cadawgoodii isku heleen oo ay dad badanna ka laayeen qaniimo badanna kasoo furteen. Dabeetana sidoodii hore oo kale ayay baddii ugu soo laabteen oo ay dhankii kale u yimideen iyagoon balo arag. Waxaana la sheegaa inay ahayd mariddoodu iyo soo noqoshadoodii muddo isla hal maalin dhexdeeda ah.

Kadibna Al Calaa waxuu qeybiyey qaniimadii uu kasoo furtay oo aad u tiro badneyd, waxuuna qofkii faras watay helay 2000, kii lugeynayeyna waxuu helay 1000 Dirham iyadooy weliba ciidanku tiro badnaayeen. Kadib Al Calaa waxuu khumuskii qaniimada u diray dhankii Abuu Bakar isagoo uguna bishaareynayo guulahii is daba jooga ahaa ee uu Alle cadawgooda uga loogay. Markaa buu Abuu Bakarna warqad usoo diray Calaa uu ugu mahad celinayo waxii uu sameeyay.

Waxaa la sheegaa in nin reer Hajar ah oo raahib ahaa uu ku Muslimay kalmadihii Al Calaa bin Xadrami , markii uu marayey badda uu akhrinayey , oo waxaa la sheega markii la weydiiyey ninkaas sababta ku kalliftay inuu Muslima ayaa waxuu tilmaamay inuu hawada ka maqlay dhawaqa kalmado aad iyo aad u qiimo badan Wuxuuna yiri:- Haddii aanan rumeynin kalmadahaasi, waxaan ka yaabay inuu Alle aniga dhan inasakho.

Diin Ka Noqoshadii Reer Cummaan, Reer Mahra & Reer Yeman

Reer Cumaan iyagu waxaa kasoo shaac baxay nin laqabkiisu uu ahaa Dut- Taaj, magaciisuna la oran jiray Laqiid bin Maalik Al Uzdi. Waxaa ninkan loo yaqiinay waqtigii jaahiliyada Julandaa, waxuuna sheegtay Nebinnimo, oo waxaa raacay khalqi badan oo juhaladii reer Cummaan kamid ah. Waxuu Laqiid ka adkaaday Jeyfar iyo Cabbaad oo kamid ahaa madaxdii reer Cummaan, waxayna labadaasi nin ahaayeen rag Muslimiin ah. Markii uu Laqiid ka saaray magaaladii ayaa waxay u kala carareen buuraha iyo keymaha. Jeyfar baa markaa Abuu Bakar warqad u diray uu kaga dalbanayo in ciidan uu usoo diro. Markaa buuna Abuu Bakar soo diray laba amiir iyo ciidamadooda, kuwaasoo kala ahaa Xudeyfah bin Muxsin Al Ximyari iyo Curfajata Harthama bin Zuheyr Al Baaruqiyi. Waxuu Abuu Bakar Cummaan u diray Xudeyfah, halka uu Mahra-na u diray Curfajata Al Baaruqiy. Waxuu Abuu Bakar amray inay labadan ciidan kulmaan oo isku darsamaan oo ay marka hore howsha ka billaabaan Cummaan. Inta Cummaan la joogana waxuu amray ciidamada oo idil inuu amiir u noqda Xudeyfah bin Muxsin Al Ximyari. Markiina laga faaruqo Cummaan, waxuu amray inay u jiheystaan Mahra, markaasina wuxuu amray inuu amiir noqdo Curfajata bin Harthama.

Waxaan horey usoo xusnay in Cikrama loo diray Yamaamah, dabeetana laga daba diray Shuraaxbiil bin Xasanah. Cikrimah wuu deg degay oo wuxuu dul degay Museylamah, hase ahaatee Museylamah wuu iska soo caabiyey, oo dib ayuu usoo durkiyey. Arrintaa deg dega ahi Abuu Bakar waa uu ku canaantay Cikrimah, waatiina uu Khaalid markuu ka faaruqay Buzaakha uu u diray dhankii Yamaama. Waxaa markaasi dhacay wixii dhacay ee aynu soo xusnay, Museylamana la dilay, oo Yamaamana la furtay.

Markaa buu Abuu Bakar amray Cikrimah bin Abii Jahal inuu aado dhanka Cummaan iyo xagga Xudeyfah iyo Curfajah. Mid kastoo saddexdaan amiirrada kamid ahina waxuu amiir u noqon doonaa ciidankiisa, oo Xudeyfah waxuu amiir noqon inta Cummaan la jooga, Curfajana inta Mahrah la jooga.

Waxuu yiri Abuu Bakar:- Markii aad ka faaruqadaan, aad adiga ( Cikramah ) dhanka Yeman iyo Xadrulmowt, oo la jooga Muhaajir bin Abuu Umayah. Waxuuna intaa dabadeed Abuu Bakar warqad u diray labadii amiir ee Xudeyfah iyo Curfajah, taasoo uu ku ogeysiin in uu Cikramah u soo diray, waxuuna amray inay la tashadaan, oo ay taladiisuna goostaan, maadaama uu yahay nin qibrad u leh arrimaha dagaalka. Wuxuu Cikramah ahaa mid geesi ah oo geesiyaashii iyo halyeeyada Carabta kamid ahaa. Markii ay amaraadii u dhawaadeen Cummaan ayay u cid direen Jeyfar iyo Cabbaad. Dabeeta Laqiid baa waxuu maqlay ciidamada dhulkiisa yimid, markaa buu ciidankiisii soo dhaqaajiyey oo ku dhisay goob la yiraahdo Dubaa. Waxayna goobtaasi ahayd suuq weyn oo dhulkaasi ku yiillay. Waxuuna ciidankii soo daba dhigay hantidii oo idil, si aysan dib dambe u milacsan oo ay maalkooda, carruurtooda iyo dumarkooduba u dagaallamaan. jeyfar iyo Cabbaadna waxay ku kulmeen goob la yiraahdo Suxaar. Markaa bay is raaceen oo ay ku biireen ciidamadii Muslimiinta.

Waxaa kulmay labadii koox, ciidankii Allaah iyo ciidamadii Sheydanka. Waxaana goobtaa ka dhacay dagaal aad u daran oo lagu imtixaanay Muslimiintii oo ayba ku sigteen inay dhabarka jeediyaan, haddii uusan Alle nasri iyo gargaar deg deg ah usoo dejin jaantey rogi lahaayeen.

Markaa iyada ah oo xaaladdu ay darreed buu Alle Muslimiintii u turay, oo sharfay oo u soo diray ciidamo gurmad ah oo katirsan qolooyinka banii Naajiyah iyo Cabdiqeys. Markaana waxay ahayd goortii nasriga iyo furashada, waxaana gacantii sareysay yeeshay ciidamadii Alle, halka laga halligay xisbul daakhuudkii. Dhabarkay jeediyeen oo waa jabeen ciidamadii Laqiid, markaa bay Muslimiintiina dhan waliba u raaceen oo si daran u laayeen, waxaana laga dilay kufaartii tiro 10 000 oo dagaalyanno ah, waxaayna Muslimiintii qaniimeysteen hantidii suuqaa tiillay oo aad u badneyn. Kadib waxay qaniimadii ka saareen khumuskii oo intii kalena qaysadeen, dabeetana waxay khumuskii u dhiibeen mid kamid ah madaxdii ciidamada, waxuuna ahaa Curfajah Al Baaruqiy. Intii howshii soo gutay buuna ciidamadiisii kusoo noqday mar kale.

Ammaa Mahrah, waxaynu soo xusnay in markii hore uu Abuu Bakar Siddiiq soo amray inay ka bilaabaan Cummaan, dabeetana ay ku xijiyaan Mahrah, kadib markay ka faaruqaan Cummaan. Waa sidaase markii ay ka faaruqeen, waa tii khumuskii qaniimada loo dhiibay Curfajah Al Baaruqiy si uu khaliifadii Rasuulka SCW ( Abuu Bakar ) ugu geeyo. Haddaba markaa ayaa waxaa Mahrah aaday Cikramah iyo ciidamadiisii lasocoday, waxuuna tegay goobtii Mahrah oo uu kula kulmay laba ciidan oo middoodi ka badanyahiin kooxda kale. Kooxda badan waxaa amiir u ahaa nin la oran jiray Al Misbax Al Muxaaribi. kuwa kalena waxaa amiir u ahaa nin la oran jiray Shakhriit. Labadan amiir ee meesha deganaa way is khilaafsanaayeen. Khilaafkooduna waxuu Muslimiinta u ahaa naxariis Alle xaggiisa uga timid. Kadib Cikrimah waxuu u cid diray Shakhriit si uu xaqa ugu soo laabta, isagiina wuu yeelay oo wuxuu ku biiray ciidankii Cikrimah. Dabeeta waxuu Cikrimah u cid diray Al Misbax Al Muxaaribi si uu isaguna xaqa ugu soo laabto, hase ahaatee diidyay, oo waxuu ku faanay ciidan badni iyo inuu awood u leeyahay inuu iska celin karo Muslimiinta.

Markaa buu Cikrimah soo dhaqaajiyey ciidankiisii oo ay is heleen Al Misbax, waxaana dhex maray dagaal aad u culus, oo ka daran kii Dubaa ee aan usoo xusnay. Dabeeta Alle baa guul iyo furasho siiyey ciidamadiisii Muslimiinta, kuwii kalee riddaduna waa ay jabeen oo way kala firxadeen. Al Misbaxna waala dilay, khalqi badan oo kamid ah qowmkiisiina waala laayey. Halkaana waxay Muslimiinta qaniimo ahaan u heleen, hantidii cadawgooda. Markaa baa inta khumuskii laga saaray loo qaybiyey ciidanka. Dabeetana waxaa khumuskii loo dhiibay Shakhriit si uu Abuu Bakar ugu geeyo. Bishaaradii guushuna waxaa loo dhiibay nin la oran jiray As Saa’ib Al Caabidyu. Halkaana nin la oran jiray Culuuj baa gabay ka tiriyey, kaasoo uu aad ugu amaanay Shakhriit iyo weliba guushii ay Muslimiinta ka heleen cadawgooda.

Ammaa reer Yeman

Waxay iyagu horey u raaceen Aswad Al Canasi (oo magaciisu uu ahaa Cubhalah bin Kacab bin Canas), oo Nebinnimo sheegtay. Ninkan isagu waxuu soo shaacbaxay waqtigii Rasuulka SCW, oo uu Nebinnimadu sheegtay, markaasoo uu ka saaray Sanca madaxdii uu Rasuulka SCW horey ugu diray. Dabeeta waxaa raacay qaar kamid ah reer Yeman. Markaa buu Rasuulka SCW markuu maqlay soo bixidda ninkan ayuu warqad qoray oo uu u dhiibay nin la oran jiray Wabar bin Yuxannas Al Daylami. Waxuuna warqaddaa u diray madaxdii Yeman joogtay oo uu amrayo inay la dagaallamaan Aswad Al Canasi, oo waxuu kaloo farriin u diray reer Yeman in dhammaantood la dagaallamaan ninkaasi.

Yeman markaasi waxaa joogay Mucaad bin Jabal, oo haweeney Sukuuniyad ah ku guursaday, waxaana la oran jiray haweeneydaasi Ramlah As Sukuuniyah. Waxaa kaloo joogay Khaalid bin Saciid bin Al Caas oo masuul ka ahaa deegaannadii Caamir, Rafac, Zubeyd iyo weliba qeyb kamid ah dhulkii Najraan. Sidoo kale waxaa joogay Shahar bin Baadaan oo Yeman kor masuul ka ahaa. Iyo waxaa kaloo joogay oo kamid ahaa madaxdii Rasuulka SCW masuulka uga ahayd Yeman oo uu kamid ahaa Abuu Muusa Al Ashcari oo Ma’rib masuul ka ahaa. Waxaa kamid ahaa Yaclaa bin Abii Umayah oo Janad masuul u ahaa, iyo Daahir bin Abii Haalah oo Cakah iyo Ashcariyiinta madax u ahaa, iyo Camr bin Xaraam oo qeyb Najraan kamid ah madax u ahaa. Dhulka Xadrulmowt-na waxaa masuul ka ahaa Ziyaad bin Lubeyd. Sidoo kale waxaa joogay Cukaasha bin Thowr ibnu Akhdar oo madax u ahaa Sakuun iyo Sakaasik, iyo Cabdillaahi bin Qeys oo madax u ahaa banii Mucaawiyah iyo Kindah. Mucaadna waxuu ahaa macallimkii Baldeynka ( labada Balad ) yacnii Xadrulmowt iyo Yeman, waxuuna Rasuulka SCW Mucaad amray markuu diraayey inuu iskaga kala goosha labadaa dhul Yeman iyo Xadrulmowt oo uu dadkooduna macallim u noqda.

Iyagoo ay xaaladdaasi ku sugan yahiin amraa’dii Rasuulka SCW buu ninkan Al Aswad Al Canasi soo baxay. Waxuuna ka soo jeeday oo uu ka yimid deegaan la yiraahdo Kahf-Khubbaan, oo waxuu markaasi watay 700 oo dagaalyahanno ah.

Kadib waxuu warqado u diray masuuliyiintii Rasuulka SCW ee Yeman ku sugnayd oo waxuu ku yiri:- Innagaa idinkaga xaq leh ee inoo soo celiya dhulkayaga oo, waxaad idinku leedihiin waa dhulkiina.

Dabeeto waxuu abbaaray dhankii Najraan oo qabsaday 10 casho kadib soo ifbixiddiisii. Dabeeto waxuu aaday dhanka Sanca oo waxaana ka hor yimid Shahar bin Baadaan oo waxaa dhex maray dagaal culus, oo lagu jebiyey ciidamadii Shahar bin Baadaan, isagiina (Shahar) waa la dilay. Markaa buu galay Aswad magaaladii Sanca oo uu qabsaday 20 casho kadib soo ifbixiddiisii. Dabeeto Mucaad iyo Abuu Muusal AShcari waa ay ka baxsadeen Sanca iyo deegaannadii Yeman oo waxay aadeen dhankii Xadrulmowt. Masuuliyiintii Rasuulkuna SCW Waa ay kala faniineen, oo Camr bin Xaraam iyo Khaalid bin Saciidna waxay aadeen dhankii Madiina oo ay kulaabteen. Sancana waxay gacanta u gashay Al Aswad Al Canasi oo masuul ka noqday.

Maalintii ay Aswad is helayeen Shahar bin Badaan waxuu ciidankiisu dhamaa 700 sidaynu soo xusnayba, waxaana kamid ahaa madaxdii ciidankiisa Qeys bin Cabdiyaaquuth, Mucaawiyah bin Qeys, Yaziid bin Maxram, Yaziid bin Xisni Al Xaarithi iyo Yaziid bin Al Afkal Al Uzdiyu. Xukunkiisiina wuu ku xoogeystay Yeman.

Camr bin Macdiyakrib isagu wuu riddoobay oo waxuu amiir u noqday Banii Mudxij oo uu masuul uga ahaa Al Aswad, Al jandu waxaa masuul uga ahaa Qeys bin Cabdiyaaquuth, Abnaa-guna ( Abnaa waxay ahaayeen qolo asalkoodu Faaris ka soo jeedday oo waxay dhulka Yeman yimideen markii ay Yeman ka dalbatay Faarisiinta inay uga gargaaraan Xabashida oo markaa ay qaatiyaan ka joogeen. Markaa buu boqorkii Furus ee waqttigaa jiray usoo diray ciidan, kuwii xabsiyada ku jiray oo uu cafis u fidiyey , markiina ay yimideen Yeman bay degeen oo ay habdhaqankii iyo hanaankii Carabta yeesheen oo ay ka guursadeen, dabeetana dadkaa firkoodii ayaa loo baxshay Abnaa. ) waxaa masuul uga ahaa Feyruuz Al Deylami iyo Daadaweyhi, oo iyagu Muslimiin mu’miniin ahaa, oo qorsha kale maldahayey, waxay doonayeen uun inay dilaan Aswad Al Canassi.

Al Aswad wuxuu guursaday haaweeneydii Shahar bin Baadaan oo ay Feyruuz Al Deylami ilmo adeer ahaayeen, taasoo la oran jiray Zaad (ama Aazaad) Al Deylamiyah, waxayna ahayd haweeney mu’minad saalixad ah.

Markiina ay maqleen geeridii Rasuulka SCW baa dad badan oo reer Yeman kuwii Islaamka ku jiray ah ay riddoobeen, iyagoo markii horeba shaki iyo laab laab ku jiray. Haddaba waxaa u tashaday Saddex kamid ah madaxdii dhulkaa joogtay sidii ay ku dili lahaayeen Al Aswad isagoon fahmin arrinta ay damacsanyahiin. Waxayna u muujin jireen inay isagu rumeysanyahiin Nebinnimadiisa. Saddexdaa nin waxay kala ahaayeen Feyruuz Al Deylami, Daadaweyhi iyo Qeys bin Hubeyrah bin Hilaal (Al Muraadi) Al Bujaliyi oo loo yaqiinnay Qeys bin Makhsuux. Waxaa howshan la wadday gabadhii uu qabay Al Aswad Al Canasi oo ay ilma adeer ahaayeen Feyruuz Al Deylami, waxayna ahayd haweeney mu’minad saalixad ah sidaynu soo xusnayba.

Haddaba goor habeen ah ayuu Feyruuz dilay Aswad oo uu madaxa ka jaray. Dabeetana waxaa damcay inuu xukunka Yeman qabsado Qeys bin Makshuux. Waxuuna go’aansaday inuu dilo labada masuul ee kale (Feyruuz iyo Daadaweyhi), hase ahaatee arrintaa uma aysan suuro gelin, kaliya waxaa u suuro gashay inuu dilo Daadaweyhi . Sababtuna waxay ahayd mar buu usameeyay raashiin, dabeetana uu marka hore u cid diray Daadaweyhi si uu gurigiisa u yimaado. Markii uu Daadaweyhi yimid buuna Qeys ku deg degay oo dilay. Misna waxuu u cid diray Feyruuz Al Deylami, markaa buu Feyruuz dhankii Qeys aaday. Isagoo dariiqa marayo ayuu maqlay codka labo haween ah oo midi ay midda kale ku oraneyso :-Kanna isagu waa mid la dili doono, sidii loo dilay saaxiibkiis.

Markaa buu fahmay oo inta jidkiisii ku laabtay ayuu u tegay asxaabtiisii, oo uu uga warramay waxa dhacay iyo in la dilay Daadaweyhi. Kadib waxuu Feyruuz aaday dhanka reer abtiyaashii banii Khowlaan, waxaana u gargaaray qabiilooyinka Cakka iyo Caqiil iyo khalqi kale. Dabeetana Qeys waxuu qaatay labadii daar ee Daadaweyhi iyo Feyruuz, Abnaa-giina ciidankiisii ayuu ku daray, markaasuu ku weynaaday dhulkii Yeman, oo ciidamo u diray bad iyo berri. Muddo kadibna waxaa yimid Feyruuz oo hoggaaminayo khalqi tiro badan. Waxayna is heleen Qeys oo dagaal darani dhex maray, kaasoo lagu jebiyey Qeys iyo ciidamadiisii. Qeys iyo Camr bin Macdiyakribna waala soo qabtay qafaal ahaan, markaa baa Muhaajir bin Abuu Umaya waxuu amray in loo geeyo Abuu Bakar Siddiiq. Markii loo geeyayna waa ay u cududaarteen isagiin waa uu ka aqbalay, wixii aay muujisanayeen, sirahooduna waxuu u wakiishay Allaah Sarreeye.

Kadibna masuuliyiintii Rasuulka SCW ee Yeman masuulka ka ahayd, waxay ku laabteen meelahoodii ay horey masuulka uga ahaayeen waqtigii nolashii Rasuulka SCW, kadib markay galeen dagaallo aad u dhaadheer oo haddaynu is orona aad si faah faahsan uga hadashaan ay runtii inagu dheeraanayaan, markaa intaa ayunbaan kusoo koobeynaa hadduu Alle idmo, oo waxaan usii gudbi doonnaa dhacdooyinkii kalee jihooyinka kale kasocday. Arrintu iyo dagaalladuna sidaa bay u socdeen jeer ay Jasiiraddii Carabta oo idil nadiif noqotay, oo daacaddii iyo Islaamka ay usoo wada noqdeen.

Waxaana caan noqday qowlkii Abuu Bakar Siddiiq uu yiri ka hor intuusan weerraradan qaadin, kaasoo ahaa:- Ma anigoo nool ayay diintu nusqaameysaa??.

Runtii wuu ka runsheegay Abuu Bakar oraahdiisaasi oo waa mid laga wada marag kacay, taariikhduna ay marqaati cad u noqotay.

Badi dagaalladan aanu soo xusnayna waxay dhaceen dhammaadkii sannaddii 11aad ee hijriga illaa horraantii sannaddii 12aad ee hijriyada, waana sida ay culimada mu’arrakhiinta badankoodu qabaan.

SANADKII 12AAD EE HIJRIGA

Sanadkani markii uu bishay, dowladdii Islaamka dhidibidda ayaa loo aasay, muddadii yareydna ee uu Abuu Bakar xilkaasi hayay Jaziiraddii Carabta oo idil waa uu sifeeyay oo ciidamadii Muslimiintu midig iyo bidix bay xaaqeen. Waxuu Abuu Bakar la diriray dadyowgii riddoobay oo ay kamid ahaayeen reer Yamaama, reer Najad iyo Dhuleyxa, reer Yeman, Mahrah, Cummaan, Baxreen iwm. Muddaadii yareydna waxaay Jaziiraddii oo idil u hoggaansameen Islaamka.

Qaar kamid ah Culamaa’i Siirah ayaa waxay qabaan in dagaalkii Yamaama uu dhacay sanadkan 12aad bisha Rabiicul Awal. Qaar kalena waxay yiraahdeen:- Waxuu ahaa dagaalkaas sanadkii ka horeeyay kan ( sanadkii 11aad ee hijriga ) dhammaadkiisa. Waxaase lagu kulmiyaa aqwaashaan sidaynu soo xusnayba in uu dagaalkan billawday dhammaadkii sanadkii 11aad uu dhammaaday billawgii sanadkii 12aad ee hijriga.

Waxaa kaloo la sheegaa in dhacdooyinkii, Cumaan, Mahrah, Baxreyn iyo Yeman ay dhaceen sannadkan 12aad. Waxaanu soo qaadan doonnaa hadduu Alle idmo waxyaabihii sanadkan dhacay oo dhacdooyin iyo mawaaqic ah, arrimihuna sidii hore maaha oo iminku xaaladdu way furfurmatay, oo Jaziiraddii uu idil baa u hoggaansantay dowladdii Islaamka ee uu hoggaanka u hayay Saddiiq Illaahay haka raalli noqdee.

Sanadkan dhexdiisa waxaa la dilay afartii boqor ee loo yaqiinnay Xammad, Maxras, Abdhacah iyo walaashood Al Camarradah. Waxuu kusuganyahay xadiis lagu lacnaday Musnad-ka Iimaam Axmed, waxana dilay Ziyaad Al Ansaari.

Diriddii Khaalid Bin Waliid Ee Dhanka Ciraaq

Markii uu Khaalid ka faaruqay Yamaamah buu Abuu Bakar amray inuu aado dhanka Ciraaq, waxuuna amray inuu ka billaabo Faraj Al Hindah, waxuuna amray inuu Ciraaq ka galo kor, oo dadkuna isu soo duwa oo xagga Alle Cazza wajalla ugu yeero, oo hadday yeelaan waa sidaa sida la rabay, haddii kale waa inay bixiyaan jizyo, haddeys diidaanna taa iyada ah waa inuu la dagaallamo, cidinana uusan ku qasbin raacidda, oo wuxuu amray inuu kaxaysto oo kaliya inta raacda. Waxuu kaloo amray in uusan gargaar weydiisan kuwii riddoobay oo uusan cadawga u kaalmeysan, waxuuna u tilmaamay inuu horey la sii saaxiibo cidkastoo kamid ah madaxda ciidamada Muslimiinta ee uu la kulmo oo uu horey usii kaxeysto intii u suuro gasho.

Intaa kadibna waxuu Abuu Bakar u kacay inuu diyaariyo ciidama kala oo gurmad u noqda Khaalid iyo wardoonna qaas ah inuu sameeyo.

Haddaba waxaa khilaaf ka taagan yahay Khaalid bin Waliid ma toos buu Yamaama uga baxay oo uu Ciraaq sidaa ku aaday, mise Madiina buu tegay oo uu Ciraaq ka aaday?

Culimada qaarkood waxay sheegaan in uu si toos ah Yamaamah uga baxay oo sidaa Ciraaq ku aaday, halka kuwa kalena ay qabaan inuu ku laabtay Madiina , dabeeto uu Madiina ka baxay oo sidaa Ciraaq ku aaday. Waxuuna maray jidka Kuufa ee maanta oo sidaa ku dhaqaaqay jeer uu gaaray Xiirah.

Ibnu Kathiir isagu waxuu rajaxi in uu Khaalid Madiina ku laaban oo si toos ah uu u baxay kadib markuu Yamaamah ka faaruqay.

Maxamed bin Isxaaq isagu waxuu qabaa in uu Khaalid ka baxay Yamaamah kadib markuu Abuu Bakar warqad usoo diray oo uu ku amray inuu Ciraaq aado. Markaa buu Khaalid dhaqaaqay oo sii maray labo qaryo oo la kala oran jiray Baanuqiyaa iyo Baaruusimaa, waxaana masuul ka ahaa nin la oran jiray jaabaan, dabeetana Khaalid wuu la heshiiyey sida uu Ibnu Isxaaq qabo.

Waxaa kaloo iyana la sheegaa in heshiiska ka hor ay Muslimiintii ka laayeen cadawga tiro badan, kadib bay dalbadeen inay jizyo bixiyaan oo ay heshiis dalbadeen, waxaana lagula heshiiyey qiima 1000 Dirham ama Diinaar sanadkan. Waxuuna ahaa ninkii Khaalid ka guntay heshiiskaa Busbahri bin Saluubaa. Kadib Khaalid waxuu u qoray warqad dadkii meeshaa ku sugnaa, kadibna horey ayuu usii socday illaa uu degay Xiirah, dabeetana waxaa kusoo baxay dadkeedii madaxyaweynta ahaa oo la socdaan Qabiissah bin Iyaas bin Xabbah Al Dhayi oo markaa masuul uga ahaa boqorkii Furus ee Kisraa kadib xukunkii Nucmaan bin Al Mundir.

Khaalid bin Waliid waxuu ugu yeeray xagga Alle oo waxuu ku yiri:- Waxaan idinkugu yeeri xagga Allaah iyo Islaamka. Haddaad yeeshaan markaa waxaad kamid noqoneysaan Muslimiinta, oo waxaad leedahiin waxa ay iyagu leeyahiin, waxaana dushiina ahaaday waxa iyagu dushooda ah, haddaad diidaan, waa inaad bixisaan jizyo, haddaad jizyadu diidaanna xaqiiqdii waxaan idiinla imid qowm ugu dadaali og geerida sida aad idinku noolasha ugu dadaashaan. Waan idiinla dirireynaa oo aan idiinla jihaadeynaa jeer uu Alle nakala xukmiyo dhexdeenna iyo dhexdiinna.

Qabiissah baa waxuu yiri:- Wax dan oo aan ka leennahay ma jirto la dagaallankiina ee waxaanu bixineynaa jizyo, waxaana ku baaqi noqoneynaa diintayada.

Dabeeto halkaa waxuu Khaalid kula heshiiyey qiima 90 000 oo Dirham. Werin kalana waxaay sheegi in uu kula heshiiyey 100 000 Dirham. Waxayna taasi ahayd heshiiskii ugu horreeyay ee uu Khaalid Ciraaq kula galo. Kadibna waxaa hantidaaso iyo kuwii ka horreeyay ee uu Khaalid kula heshiiyey tuulooyinkii ka horreyayba loo diray magaalladii Madiina.

Khaalid bin Waliid waxuu intaa kadib warqad u diray madaxyaweyntii Furus iyo wasiiradoodii ku sugnaa magaalladii Al Madaa’in. Waana kan naskeedi :

Ka: Khaalid bin Al Waliid

Ku: Waziirada reer Furus.

Nabadi ha ahaato dusheeda ciddii raacdo hanuunka, intaa dabadeed, waxaa mahad iska leh Allaah, kaasoo tegsiiyey jameecadiinnii, boqortooyadiinniina soo dhiibay ( oo soo gacan geliyey ), dhagartiinniina daciifiyey. Kii tukada salaaddayada oo qaabila qibladdayada oo cuna gowracayaga, waa uun kaas Muslimkii lahaa waxa aanu innagu leennahay, oo ay dushiisu ahaatay waxa dushayada ahaaday.

Intaa kadib.

Hadday idiin timaaddo warqadeyda, iisoo dira rahamad oo igana gunta heshiis. Haddaydaan sidaa sameyn Kii ( Allaah ) baan ku dhaartaye uusanna jirin mid qeyrkiiye waxaan xaggiina usoo diri doonaa qowm u jecel geerida sida aad idinku noolasha u jeceshahiin.

Markay akhriyeen madaxdii Furus warqaddaasi Khaalid katimid bay la yaabeen oo yaab iyo amakaag darani ay ku beertay.

Dhanka kale sida uu Imaam Seyf bin Cumar qabo, Khaalid waxay is heleen markuu Ciraaq tegay Hurmuz oo kamid ahaa madaxdii Furus dhulkaasi Maraj Hinda masuulka uga ahaa. Waxuu Hurmuz ahaa nin ay ku weyneed diintii Majuusta oo waxuu ahaa nin misna faan iyo isla weyne badan oo qooqaa ah. Waxuu masuul u ahaa khalqi badan oo ku sugnaa agagaarkaas. Haddaba Khaalid markuu u dhawaaday buu Hurmuz warqad u diray, taasoo uu ugu yeerayo xagga Allaah. Hurmuzna warqaddii Khaalid waxuu u diray boqorkii Furus ee Sheyraa bin Kisraa iyo wiilkii boqorka ee Ardasheer bin Sheyraa, Markaasina Hurmuz waxuu aruuriyey ciidamo tiro badan, dabeetana waxuu abbaaray dhanka Kaadhimah oo ah meesha maanta loo yaqaan Kuweyt, labada dhinac ee ciidankiisuna waxaa kala hoggaaminayey oo uu madax uga kala dhigay Qabbaad iyo Aanushajjaan oo ka tirsana qoyska boqortooyada, waxuuna ciidamadiisii badankoodii ku xiray sil silado si aysan u cararin, dabeetana waxuu ku dhaqaaqay dhankii Khaalid si uu uga hor tego isagoo ay la socdaan 18 000 ( 18 kun ) oo ciidamadii Muslimiinta ah, dabeetana waxay degeen meel cadawgu kasokeyso oo aan ahayn dhanka biyaha, ( dhanka biyaha waxaa xigay cadawga ). Markaa buu Muslimiintii oon darani qabtay oo taas waxay uga eed sheegteen amiirkoodii Khaalid bin Waliid. Dabeeta Khaalid waxuu Muslimiintii kubooriyey inay sabraan oo adkeystaan ayna cadawga ka durkistaan biyaha, muddo yar kadibna Allaah baa keenay daruur ay ka wada cabbeen Muslimiintii oo ay weelashoodiina ka dhaansadeen, tanina waxay Muslimiintii u siyaadisay ad adkaan iyo sugnaan oo si aad ah bayna ugu farxeen.

Kadib waxaa is helay labadii qole, oo waxaa ka soo baxay dhanka kufaarta Hurmuz oo dalbanayo Mubaarizo, waxaana u ban baxay halyeeygii weynaa ee Khaalid bin Waliid, waxayna is dhaafsadeen laba darba, waxaase ka shuqliyey Khaalid inuu Hurmuz ka takhaluso qaar kamid ahaa ilaaladiisii, oo iyagu difaacayay amiirkooda, weerarro isdabajoog ahna ku qaadayay dhanka Khaalid, markaa baa iyagiina waxaa meel gees ah uga soo booday halyeeygii weynaa ee Al qacqaac bin Camr At Tamiimi oo si xun u gummaaday, markaa bayna kala firxadeen oo jabeen. Muslimiintii dhan waliba ayay u raacdeysteen cadawga oo ay laynayeen illaa habeenkii, waxayna ka furteen hanti faro badan iyo silsilado aad u badan, halkanna waxaa cadawga looga laayey tiro aad u badan oo ay u badnaayeen kuwii silsiladaha ku xirnaa, kadibna Khaalid waxuu qaybiyey qaniimadii kadib markuu kasaaray khumuskii, waxuuna ku qeybiyey meesha ay maanta tahay buundada weyn ee Basra, kadibna waxuu diray khumuskii qaniimada oo uu u diray dhankii khaliifkii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Sidiiq, waxuuna ugu sii dhiibay nin la oran jiray Zir bin Kuleeyb. Waxaa qaniimadaasi ku jiray maroodi ay aad ula yaabeen dumarkii reer Madiina. Abuu Bakar Sidiiq markii qaniimadii loo geeyay waxuu Zir lasoo celiyey maroodigii. Hantidii Madiina la geeyayna waxaa kamid ahaa 1000 shey oo kamid ahaa noocyadii libbiska ee Hurmuz oo xariir iyo murjaan iyo yaaquut kasameysnaa.

Intaa kadib Khaalid wuxuu jiha waliba midig iyo bidix u diray qaar kamid ah madaxdii ciidankiisa, si ay u go’doomiyaan qalcadooyinka aagaggaas ku yiillay, dhammaanna waala furtay, mid xoog lagu furtay iyo mid heshiis lagu furtayba. Dadkii halkaa deganaa ee qotida ahaydna Khaalid wax dhib ah ma uusan gaarsiin oo waxuu ku darbay inay jisyo bixyaan, sidaa ayuuna kula heshiiyay.

Dagaalkani waxaa loogu magac daray Daatus-salaasil, sababta silsiladihii farada badnaa ee Faarisiintu isku dabreen darteeda.

Dhacdadii Al Madaar (Al Thaniyi)

Kadib waxaa dhacay dhacdadan Al Madaar oo dhacday bishii Safar ee sanadkan (12aad), waxaa kaloo loo yaqiinnay dhacdadii Thaniyi oo ah webi loogu magac daray.

Sababtii dhacdadan waxay ahayd, Hurmuz baa warqad u qoray boqorkii Furus ee waagaa jiray, waxuuna warqaddaa ku ogeysiinayey soo galootiga uu Khaalid dhulka Furus soo galay isagoo kayimid dhanka Yamaama. Haddaba markaa buu boqorkii soo diray ciidan Faarisiin ah oo gurmad ah, kaasoo uu madax uga dhigay nin la oran jiray Qaaran bin Qaryaanus. Ciidankaan ma aysan gaarin Hurmuz, oo waxaa dhacay wixii dhacay ee aan horey usoo xusnay, waxaana la dilay intii la dilay, waxaana cararay intii carari kartay ee ciidamadii Furus. Dabeeto intii baxsatay ayaa waxay ka hor tegeen Qaaran iyo ciidankiisii gurmadka ahaa, waxaana la isku waafaqay in Khaalid loo laabto oo weerar culus lagu qaado. Kadib Qaaran waxuu ciidamadiisii ula weecday dhanka goob la yiraahdo Al Madaar oo uu ku dhisay isagoo dhanka midigta iyo bidixda u kala dhiibay Qabbaad iyo Aanushajjaan. Markii uu warkan gaaray Khaalid bin Waliid baa waxuu qeybiyey qaniimadii Daatus-salaasil, waxuuuna warka gaaray ka hor intuusan qaniimadaasi qeybin, dabeetana waxuu diray khumuskii qaniimada sidaynu horey usoo xusnayba , waxuuna khabarkii guushana usii dhiibay Waliid bin Cuqbah bin Abii Muceydh, isagiina Khaalid iyo ciidankiisii waxay ku dhaqaaqeen dhankii cadawga oo ay is heleen, waxaana dhex maray dagaal qaraar oo faraha la isaga gubtay, markaa baa waxaa soo baxay Qabbaad oo dalbanayo mubaarazo dabeetana waxaa u baxay Khaalid bin Waliid, waxaase uga hor maray laba kamid ah geesiyaashii Muslimiinta oo kala ahaa Macqal bin Al Acshaa bin Al Nabaash iyo Caddiyi bin Xaatim Al Dhaa’iy, Macqal waxuu dilay Qaaran, Caddiyina waxuu dilay Qabbaad, amiirkii saddexaad ee ciidankaa Faarisiintuna (Aanushajjaan) waxaa dilay Caasim bin Camr At Tamiimi (Al qacqaac walaalkiis) oo kamid ahaa halyeeyadii Muslimiinta. Kadib Faarisiintii way jabeen, Muslimiintiina dhan walibay u raacdeysteen , waxaana maalintaa laga dilay Faarisiinta tiro 30 000 (Soddon kun) ah, in kaloo badanna wabigii ayay ku hafteen, halkaana waxay Muslimiintii ka heleen qaniimo tiro badan iyo hub aad u fara badan, Khaalidna waxuu ciidankiisii amray in la aruuriyo hubka dadkii la dilay ee cadawga.

Waxuu Khaalid kusii sugnaaday goobta Al Madaar oo uu aruurinayey hubkii Majuusta, markiina uu ka faaruqay baa waxuu qaybiyey qaniimadii meeshaa laga helay, qotidii meeshaa daganeydna waxuu kula heshiiyay jizyo, dabeetana Khumuskii iyo bishaaradii guusha baa waxuu u dhiibay Sacad bin Nucmaan Al Qurashi Al Cadawiyu si uu ugu geeyo Khaliifkii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq. Waxaa ku jiray qaniimadaas dad la soo qafaashay, waxaana dadkani kamid ahaa Xabiib (ama Yazaar) oo ahaa Xassan Al Basri aabahiis, Maanifah mowlaa Cuthmaan bin Cafaan iyo Abuu Ziyaad mowlaa Muqiirah bin Shucbah.

Khaalid waxuu u xilsaaray aruurinta jizyada Suweyd bin Muqarrin Al Muzanni, muddo ayuuna halkaa kusugnaa oo uu doon doonayey warka cadawga.

Dhacdadii Al Walijjah

Kadib waxaa dhacday dhacdadan Al Walijjah oo iyana dhacday isla bishan Safar sida uu xusay Ibnu Jariir. Sababtuna waxay ahayd markii uu gaaray warka dhacdadii Madaar kahoreysay iyo Qaarraan boqorkii Furus baa waxuu soo diray ciidan gurmad ah oo uu amiir uga dhigay nin kamid ahaa halyeeyadii Furus oo la oran jiray Al Andarzaghar. Ninkan Andarzaghar waxuu ku dhashay magaallada Madaa’in ee xaruntii boqortooyadii Furus oo uuna ku barbaaray, waxuu ahaa nin magac ku lahaa Furus dhexdeeda. Dabeeta waxuu lasoo dhaqaaqay ciidankiisii, boqorkii Furusna waxuu soo diray ciidan kaloo gurmad ah oo uu hoggaaminayey nin la oran jiray Bahman Jaadaweyhi, dabeeta way is raaceen oo waxay abbaareen dhanka goob la yiraahdo Al Walijjah. Khaalid bin Waliid baa maqlay warkooda dabeetana la dhaqaaqay intii lasocotay ee ciidankiisa, waxuuna u dardaarmay kuwii uu meeshaa uga tegay inay digtooni muujiyaan oo mar waliba ay qaflahooda yareeyaan, ayna badiyaan wardoonnadooda.

Labada koox waxay isku heleen goobta Al Walijjah , waxaana dhex maray dagaal ka daran kuwii ka horeeyay oo socday jeer labada dhinacba ay u maleeyeen in uu ka dhammaaday sabarkii, markii damba buu Alle nasri iyo guul usoo dejiyey ciidamadiisii , waxaana jabay safafkii cajamta reer Furus, Andarzaghar-na goobta dagaalka ayuu ka rooray oo dhexda ayuu oon ugu bakhtiyey. Halkan waxay Muslimiintii ka heleen qaniimo fara bada , Khaalidna intuu khumuskii ka saaray buu Muslimiintii u qeybiyey, kadibna Khumuskii waxuu u diray dhankii Madiina iyo Khaliifkii Rasuulka SCW.

Waxaa la sheegaa in dhacdadaan uu Khaalid usoo ban baxay mubaarazo ahaan nin u dhigma Faarisiinta dhexdooda 1000 nin , markaa buu Khaalidna si fudud uga tallaabsaday gaalkaa majuusiga ah.

Halkaas waxuu Khaalid Muslimiintii ugu jeediyey khudbo cajiib ah oo uu ku xasuusiyey nimcada Allaah iyo in dhulkoodii ay ka fogyahiin oo Alle guulo iyo nasri is daba joog ahna u sababay inay helaan. Waxuuna u dar daarmay wanaagga oo ka reebay xumaha.

Dhacdadii Uleys

Kadib waxaa dhacday dhacdadan Uleys oo dhacday bishii Safar ee isla sanadkan 12aad ee Hijriyada, waxayna ahayd sababteeda in Khaalid bin Waliid uu laayey maalintii Walijjah in badan oo kamid ah banii Bakar bin Waa’il oo Carabtii Nasaareyda ahayd. Markaa bay cashiiradoodii isku tegeen oo shir u fadhiisteen, koodii ugu dhaqdhaaq weynaa arrinkaasina waxuu ahaa nin la oran jiray Cabdu bin Al Aswad Al Bujali, kaasoo wiil uu dhalay lagu dilay dhacdadii hore. Markaasay warqad u qorteen Cajamtii reer Furus ee ay tabaca u ahaayeen, boqorkii Ardaasheerna waxuu usoo diray ciidan culus, waxayna labadaa qola ( yacni Cajamta iyo Carabtii Nasaareyda ) ay ku kulmeen goob la yiraahdo Uleys.

Goor ay u diyaar garoowayeen cunidda cunta, ayaa waxaa ciidamadiisii kusoo qafleeyay Khaalid bin Waliid, markaasey intoodii badneyd tilmaameen in cunnada la cuno, waxaase hadlay amiirkii ciidamada Cajamta oo ku taliyey in loo kaco ciidanka Khaalid ee aan loo fadhin cunidda raashiinka, hase ahaatee dhaq jalaq uma aysan siin ee waxay wateen howshoodii u diyaar garowga cuntada ahayd.

Markaa buu Khaalid bin Al Waliid ciidankiisii la soo degay hortooda, oo isagiina inta ciidankii kasoo dhex baxay ayuu dhankii cadawga u dhaqaaqay isagoo ku qaylinaya cod aad u dheer oo u yeeraya geesiyaashii Carabta ee halkaa joogtay isagoo oranaya:- Aaway hebal! Aaway hebal! ?

Mid kamid ahi uma uusan soo bixin oo dib ayay u wada laabteen, waxaana markaa ka soo dhex baxay nin la oran jiray Maalik bin Qeys Al judri mubaarizo ahaan, markaasuu Khaalid ku yiri ninkaas:- Yaa ibnu Khabiithah! (Waar ina Quranloow!), maxaa dhexdooda kaasoo saaray adigoon waxba iga tareyn? Dabeetana waa uu dilay.

Markaas bay Cajamtii ka kala boodeen raashiinkii oo ay hubkii ku ordeen, waxaana halkaa ku dhex maray dagaal aad iyo aad u daran, Mushrikiintuna waxaa isaga soo daba dhacayey gurmad kaga imanayey dhanka boqorkooda, waxaynta taasi u siyaadineysay ad adkaan iyo in ay dagaalka horey ugu sii socdaan, Muslimiintiina waxay maalintaa muujiyeen adkeysi, oo waxay sabreen sabar aad u xeelad dheer. Goor uu dagaalku meeshii ugu kharaareed marayo ayuu Khaalid Rabbigii baryay oo yiri:- Allahayoow! haddii aad guusha naga siiso kuwan, waxaa igu ballan ah inuusan midkooda aan awood u helo inaan qabto uusan iga fakan jeer webigooda uu isku beddelo licayga dhiiggooda”. Dabadeed Alle baa ciidankiisii u gargaaray oo cadawgooda ka siiyey guushii, markaasuu Khaalid ciidankii amar ku siiyey in la qabqabto qafaal ahaan oo aanan la dilin midkii isagu diido mooyaan in la qafaasho, kaas waxuu amray in unuunka loo dheereeyo.

Dabadeed fardooleydii Muslimiinta baa jiha walba u baxday oo cadawgii daba dhigatay, waxayna soo qab qabanayeen cadawga oo koox koox ah, waxaana la iskugu aruurinayey webiga jinkiisa, oo Khaalidna waxuu u xilsaaray rag qawjad ah inay webiga dushiisa ugu xiiraan xayntii walibo ee lasoo qabto, markaasaa kurka loogu jarayay webiga dushiisa midkasta ama koox kastoo lasoo qabta, sidaa baana lagu waday habeen iyo maalin iyo maalin iyo habeenkeedii kale oo qoorta looga wada gooynayey mid kastoo lasoo qabtaba, illaa uu webigii la socon waayey dhiiggoodii dartii, heer markii dambe ay madaxdii ciidanka Muslimiinta yiraahdeen:- Webi waxuu la dhaqaaqi waayey dhiiggooda dartii”. Khaalid bin Waliid Alle waa uu u baarrinnimo falay oo dhaartiisiina waa uu guday. Sidaa ayaana webigii loogu baxshay Nahru-dammi, magacaas oo illaa maantadan loo yaqaan.

Waxaa la sheegaa dadkii uu Khaalid dagaalkan ku laayey inay tiradoodu ahayd 70 000 (toddobaatan kun), waxaana la sheegaa markay jabeen cadawga oo ay soo gaddoomeen ciidanka Muslimiinta intoodii soo gaddoontay ayuu Khaalid iskugu yeeray cunnida cuntadii ay horey u dhigteen cadawga goor casho ah, markaasay cuneen casho ahaan.

Waxaa la sheegaa in dhammaan dadkii lagu dilay dhacdadaan Uleys ay kasoo jeedeen deegaan la yiraahdo Alamqiishiya, markaasuu Khaalid xaggeedii u jalleecay oo amray in la kharaabiyo, waxayna halkaa Muslimiintii ka heleen qaniimo aad u tiro badan, waxuuna helay ninkii faras watey marka laga reebo waxii dheeriga ahaa ee loogu daray 1500. Kadib Khaalid waxuu diray khumuskii qaniimada iyo dadkii lasoo qafaashay oo uu udiray dhankii Madiina iyo khaliifkii Rasuulka SCW, waxuuna u dhiibay nin la oran jiray Jundal Al Cajali oo daliil dal aqoon ahaa.

Markii uu ninkaan gutey amaanadii loo dhiibay oo siday aheed uu farta uga saaray Abuu Bakar, buu Abuu Bakar aad ula yaabay sida qiimaha badan ee uu u gutay dhambaalkii loosoo dhiibay, markaasuu ku daray gabar kamid ah dadkii qafaalka.

Goortaa buu Abuu Bakar Sidiiq yiri:- Kulanka Qureesheedeey! libaaxiinnii (Khaalid aabahiis) wuxuu soo saaray libaax, haweeneyna waa ay ka caajistay dhalidda Khaalid bin Waliid oo kale. Abuu Bakar Sidiiq run buu sheegay, oo xaqiiqdii dumarkii waa ay ka caajiseen inay dhalaan Khaalid bin Waliid oo kale, waxuu ahaa halyeey aanan seexan oona la seexin, waxuu ahaa mid gacan adag ku qabta cadawga Alle iyo diintiisa la colleytamay, saa mar waliboo Khaalid uu arko cadawga waxaan sugnaan iyo farxad iyo rayn rayn ahayn ma u siyaadineyn. Waxuu Khaalid ahaa seyf kamid ah seefaha Allaah ee uu ku xasuuqa acdaadiisa. Waa mid runtii Alle u abuuray inuu Muslimiinta iyo Islaamkuba uu ku cizeeyo, halka Mushrikiinta iyo Munaafiqiintuna uu bowdaha kaga jabiyey, mar waliboo uu cadawgu maqlo magaca Khaalidna rucbi iyo argagax ayaa ku dhici jiray.

Kadib Khaalid wuu laabtay oo waxuu degay Al Khawarnaq, As-Sadayir iyo An Najaf oo ahaa Qasriyo ku yiilley Xiirah, waxuuna jiha waliba u diray sirriyaad si ay u go’doomiyaan qalcadaha Xiirah.

Culimaayi taariikh qaarkood waxay yiraahdaan:- Markaa buu Khaalid furtay Xiirah.

Waxayna tilmaamaan in qalcadahii Xiirah qaarkood xoog lagu furtay qaarna heshiis.

Waqtigaa iyada ah ee uu Khaalid la heshiinayey reer Xiiraa ayuu mar la kulmay Ibnu Bukheylah (Camr bin Cabdumasiix bin Bukheylah) oo markaa kiish yar gacanta ku sitay. Khaalid baa weydiiyey:- Waa maxay waxa kan?

Waxuu Ibnu Bukheylah yiri:- Waa sunta halista ah (ee wax ku disho muddo aad u yar).

Markaasuu Khaalid yiri:- Oo maxaad u sidataa?

Waxuu yiri:- Markii aan arkay waxa dhacay oo qoomkeyga asiibay ayaan jecleystay inaan cabo si aan u dhinto taas ayaanna door biday:- . Saa Khaalid intuu ka qaaday oo eegay buu yiri:- Nafi ma dhimato illaa uu waqtigeedu yimaado mooyaane. Kadibna waxuu yiri:- Bismillaah. Ku billaabid magaca Allaah, magacyo kuwa ugu kheyr badan leh, Rabbiga dhulka iyo samada, kan shey wax dhibaayi aysan waxba dhibin lajirka magaciisa, Naxariis guud iyo mid gaarba Naxariista. Markaas baa waxaa kusoo kala diday madaxdii ciidanka Muslimiinta si ay uga celiyaan, hase ahaatee waa uu uga hor maray oo qurquriyey suntii.

Ibnu Bukheylah markii uu arrintaa arkay waxuu yiri:- Kulanka Carbeedeey! Illaah baan ku dhaartaye waxaad mulkin doontaan wax walibood doontaan intuu midi idinka noolyahay. Kadib waxay dadkii halkaasi degenaa dalbadeen heshiis, Khaalidna waa uu ka yeelay oo waxuu kula heshiiyey inay bixiyaan 400 000 oo Dirham oo hor maris ah. Waxuuna u qoray warqad nabad gelin ah.

Khaalid muusan taam yeelin heshiiska jeer ay marka hore soo gacan geliyaan Kiraamah bint Cabdul Masiix bin Bukheylah, oo ay siiyaan nin saxaabada kamid ah oo la oran jiray Shuweyl. Sababtuna waxay ahayd mar uu Rasuulka SCW xusay qasriyada Xiira ayuu Shuweyl yiri:- Rasuulkii Alloow! isii gabadha Ibnu Bukheylah? Rasuulka SCW waxuu yiri:- Adigaa leh.

Markii la furtay Xiirah ayuu Shuweyl sheegtay gabadhaasi, waxaana uga marag kacay laba kamid ah saxaabada. Markii uu Khaalid ka dalbaday inay soo gacan geliyaan Kiraamah waa ay diideen, Khaalidna waa uu ka diiday inuu heshiiska la galo. Markaa bay Kiraamah tolkeed ku tiri:- Bal isii daayo aan u tego’e kolleey waan isasoo furan doonaaye. Markii ay u daayeen inay u tego, oo ay iyadiina utegay ayay ku tiri:- Oo maxaad ku faleysa haweeneyn 80 jir ah, anigu waan is furanayaaye bal wax sheego?

Waxuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye inaadan isku furaneyn wax ka yar toban boqol (yacni kun).

Waxay muujisay inay tiradaasi tahay mid culus iyadoo u dagaysa xeelad qota dheer, markaasay ka tegtay oo tolkeedii aadday, waxayna u sheegtay qiimahii ay kula soo heshiisay inay isku furato, iyagiina waxay u aruuriyeen ama u diyaariyeen 1000 Dirham.

Muslimiintii baa Shuweyl ku canaanatay arrintaa oo ku yiraahdeen:- Haddii aad dooran lahayd tiro ka badan 100 000 Dirham ah, way kusiin lahaayeen gabadha.

Waxuu Shuweyl yiri:- Oo ma waxaa jirto tiro ka badan toban boqol (yacni kun)?

Dabeeta waxuu u tegay Khaalid oo uu ku yiri:- Waxaan sidaa ula jeeday uun waa inay tahay tiro badan oo yacni aan la awoodin in la bixin karo.

Khaalidna waxuu ugu jawaabay:- Waxaad doontay arrin, Allana waxuu doonay arrin kale, waxaan xukmineynaa sida daahirka ah ee qowlkaada ka muuqdo, niyaddaaduna waxay jirtaa xagga Alle oo isagaa ku shaqo leh, run iyo been waxa aad sheegeyso.

Seyf bin Cumar waxuu yiri:- Markii uu Khaalid furtay Xiirah waxuu tukaday siddeed rakaco oo uu hal mar salaama noqsaday.

Halkanna waxaa gabay cajiib ah ka tiriyey Al Qacqaac bin Camr Al Tamiimi, kaasoo uu ku timaamayey guulihii is daba joogga ahaa ee uu Alle Muslimiinta ka siiyey cadawgooda iyo sabarkii ay Muslimiinta muujiyeen dagaalladii is daba yiillay ee ay soo mareen. Waxuu kaloo gabaygiisa ku amaanay amaan aan la soo koobi karin dadkii iyagu kaga shahiiday Muslimiinta dagaalladii riddada.

Intaa kadib waxaa yimid Jariir bin Cabdillaahi Al Bujali, kadib markay dhaceen dhacdooyin badan oo Muslimiintiina ay qaniimeysteen qaniimooyin badan. Imaanshaha Jariir uu yimid Xiirah waxay ahayd kadib markii uu Abuu Bakar xirayey liwaa’ii ama calamadii 11-ka ciidan ee Dilqassaa uu kadirayey ayaa wuxuu Jariir ku daray ciidankii Khaalid bin Saciid bin Al Caas ee bariga Shaam ku wajahnaa. Markii uu Jariir la baxay Khaalid bin Saciid ayuu idin weydiistay inuu Abuu Bakar ku laabto si uu idin uga qaato oo tolkiisa banii Bujeylah aado, oo isku dumo oo hoggaanka u qabto. Khaalid bin Saciid arrintaa waa uu u idmay, Jariirna waxuu yimid magaalladii Madiina oo Abuu Bakar u sheegtay dantiisii. Markaa bay ahayd markii uu Abuu Bakar sida aadka ah uga carooday Jariir uuna ku yiri:- Waxaad u timid inaad iga mashquuliso arrin uu Alle ka raalli noqday oo aad igu mashquuliso waxan aad hadda iila timid? Orodoo aad Khaalid bin Waliid iyo dhanka Ciraaq. Markaa buu Jariir bin Cabdillaahi yimid Xiirah, ka gadaal markii ay dhaceen wixii dhacay oo dhacdooyinkii aan soo xusnay ah, mid kamid ahna kama uusan qayb qaadan Jariir.

Markaasi kadib buu xusay Seyf bin Cumar in uu yimid Ibnu Saluuba, kii aan horey usoo xusnay ee Khaalid kula heshiiyey Baanuuqiyaa iyo Baaruusima. Sida uu Seyf bin Cumar qaba markii uu Jariir yimid kadib ayuu Khaalid kula heshiiyey Baanuuqiya iyo Baarusima iyo waxii soo raacaba in uu Ibnu Saluuba bixiyo 10 000 Diinaar. Wallaahu aclam.

Waqtigan isaga ahi buu ahaa markii ay Faarisiintii ku kaceen boqorkoodii Ardaasheer iyo wiilkiisii Shiiriin oo ay dileen, waxayna laayeen dhammaan wixii ku nasab ahaa, waxaana ka dhex dhacay Furus khilaaf xooggan, islama aysanna garan waxba haba yaraatee, marka laga reebo inay diyaariyaan ciidama kala dhex galo Khaalid iyo Madaa’in, taas (Madaa’in) oo ahayd meeshii ay tiilay hantidii boqortooyada Furus.

Markaa iyada ah bayna tilmaameen culimada qaarkood inay aheyd markii uu Khaalid warqadda u diray madaxdii iyo waziiradii Furus isagoo ugu yeerayo xagga Allaah, iyo inay soo galaan diinta Islaamka.

Waxuuna Khaalid markaasi u ballan qaaday in uu boqortooyadooda u sugi doono haddii ay Islaamka qaataan, oo Alle u hoggaansamaan. Hadday taasi diidaanna waxuu ka dalbay inay jizyo bixiyaan oo ay islaamka ku hoos noolaadaan, hadday tanna diidaan waxuu ka dalbaday inay ogaadaan oo ay digtoonidooda qaataan, waxuuna ogeysiiyey inuu ula iman doona qoom geerida u jecel sida ay iyagu ( Majuusta ) nolashu u jecelyahiin.

Kadib Khaalid waxuu degay Xiirah oo uu marba dhinac ugu duulayey dhulka Furus Muddadii uu halkaa ku sugnaa.

Furashadii Al Ambaar (Daatul Cuyuun)

Goobta Al Ambaar waa magaalo ku tiil dhulka Ciraaq, waxayna ahayd magaalo caan ah oo looga socda meesha ay hadda tahay magaallada Baghdaad qayaastii toban maalin socod ah. Waxay u dhaweyd webiga Furaat, dhanka waqooyina waxaa ka xigtay Baabil, oo waxayna ka fogeyd qiyaastii misaafa 80 mayl ah.

Khaalid bin Waliid baa weerar ku qaaday iyadoo ciidamadiisa hore uu hoggaaminayo Al Aqrac bin Xaabis. Waxaana meeshaasi markaa madax ka ahaa nin kamid ah raggii ugu caqliga badnaa Furus oo la oran jiray Shayrizaad. Markii uu Khaalid gaaray Al Ambaar ayuu dul degay, waxaana magaalada ka dul qodnaa Khandaq (god). Markii ay labadii col isasoo hor fadhiisteen ayuu Khaalid ciidankiisii amray in gamuunada oodda looga qaado, say Muslimiintii sidii faleen oo gamuunadii oodda uga qaadeen, heer halkaas ay cadawgii ku waayeen kun indhood, oo ay ku qayliyeen:- Reer Ambaar indhahoodii tegyeeneey!!. Sidaa baana dhacdadaan loogu baxshay Daatul-Cuyuun.

Sheyrizaad wuxuu usoo cid diray Khaalid isagoo ka dalbanayo inuu la heshiiyo, markiina uu Khaalid ka yeelay heshiiska ayuu Sheyrizaad diiday qaar kamid ahaa qodabbadii heshiiska. Markaa buu Khaalid geel qalay oo khandaqii ku guray, dabeetana ciidamadiisii soo dhaqaajiyey. Markii uu Sheyrizaad arkay arrintaas ayuu dhammaan qodabbadii heshiiska u qoor keenay oo wada aqbalay. Waxuuna Khaalid kula heshiiyey kabixid in Sheyrizaad uu ka baxo Ambaar, isagiina waa uu yeelay. Halkaasi waxay Muslimiintii ka heleen guul iyo nasri oo maal badanna Alle kasiiyey. Khaalidna waxuu kusii nagaaday Al Ambaar isagoo dadkii hareeraha Ambaarna heshiis la wada galay, waxuuna la heshiiyey ahlu Al-Bawaariij iyo Kalwaadi . Muslimiintiina Carabtii halka daganeyd ayay wax qoridda ka barteen muddadii ay halkaas ku sugnaayeen, waxayna ahaayeen Carabtaas banii Iyaad oo iyagu dhulkaas ilbaxnimo fog kulahaa, kuwaasoo waxqoridda bartay waqtigii boqorkii Bukhtun-Nassar la oran jiray uu xukumayey dhulkii Beershiya. Kadib buu Khaalid magaalladii Ambaar madax uga dhigay Zabarqaan bin Bader, isagiina waxuu aaday dhanka Caynu Tamar.

Dhacdadiii Caynu Tamar

Markii uu Khaalid ka faaruqay Al Ambaar, ayaa waxuu madax uga dhigay Zabarqaan bin Bader, isagii iyo ciidankiisiina waxay ku sii duuleen Caynu Tamar. Waxay Caynu Tamar ahayd mid leh qalcad weyn, waxayna dhanka galbeed kaga tiillay meel saddex casho looga socdo.xuduudda Jaziiradda. Waxaana madax ka ahaa markaasi nin la oran jiray Mihraan bin Bahraan oo Majuusta Furus hoggaaminayey, waxaana hareeraha magaalada deganaa Carabtii tabaca u ahayd Furus oo ay kamid ahaayeen qolooyinka reer Nimar, reer Taqlab iyo reer Iyaad iyo weliba kuwa kaloo qeyrkooda ah. Waxaa Carabtaasi madax u ahaa nin la oran jiray Caqah bin Abii Caqah.

Markii uu Caqah gaaray warka ah soo galootiga Khaalid iyo ciidamadiisa ay soo galeen geyiga, ayuu u tegay Mihraan bin Bahraan oo uu ku yiri:- Carabta ayaa u ogaal badan la dagaalanka Carabtuye, isku kaayo daa innaga iyo Khaalid.

Mihraan bin Bahraan oo isagu ku farxay weedhii Caqah iyo fikraddii uu usoo jeediyey, ayaa jawaab ahaana wuxuu yiri:- Waa runtaa oo Carabtu uun baa u ogaal badan ladagaalanka Carabta. Misna waxuu yiri isagoo qadcaya:- Haddii aad inoo baahataanse waanu idiin gargaareynaa oo lajirkiina baanu nahay. Faarisiintii ayaa arrintaasi amiirkoodii kaga carootay oo ku canaanatay, waxuuse ugu Mihraan ugu jawaabay:- War hooyda! isku daayo iyaga iyo Khaalid, oo haddii ay idinkaga haggaagaan, idinka ayaa leh guusha oo waa tiinnii, haddayse sidaa si aan ahayn dhacdo (yacni ay adkaadaan ciidanka Khaalid), markaa waanu la dagaallameynaa innagoo awood leh iyo iyagoo daciifay. Cajamtii aad bay ugu farxeen hadalkii amiirkoodii Mihraan, waxayna u garowsadeen inuu yahay koodii ugu ra’yiga toosnaa oo ugu caqliga badnaa.

Khaalid bin Waliid horey ayuu u socday oo wuxuu hor degay ciidankii Caqah bin Abii Caqah. Markiina ay labadii ciidan isasoo hor degeen, buu Khaalid u dardaarmay ciidamadiisii labada dhinac, waxuuna u sheegay inuu weerar qaadayo oo waxuuna ka dalbaday inay iyago dhankooda ilaaliyaan. Waxuuna kaxaystay koox halyeeyo ah oo uu markaa weerar ku qaaday Caqah oo markaa simayey safadka ciidamadiisii, wuuna soo qafaashay. Carabtii markii ay arkeen waxa dhacay iyo in amiirkoodii la qafaashay ayay jaanta rogteen oo ay kala firxadeen iyadoo wax dagaal ahi uusanna dhicin, waxaana batay qafaalkoodii.

Markii uu warkii jabka ee Caqah iyo ciidankiisii gaaray amiirkii ciidanka Furus ee Mihraan, ayaa inta uu qalcaddii kasoo degay buu cararay. Intii carartay ee Carabtii ciidanka Caqah baa iyaguna dib usoo noqday oo qalcaddii isku aruuriyay oo dabeeta hoos ka xidheen. Markaa buu Khaalid soo dul degay oo go’doomin tii ugu darreyd ku qabtay. Markii ay arrintaa arkeen oo ay u adkeysan waayeen ayay Khaalid ka dalbadeen heshiis, isagiina waxuu u sheegay inay marka hore u qoor keenaan xukunkiisa. Markaa bay u qoor keeneen xukunkii Khaalid, oo sil silado lagu xiray, dabeetana waxuu Khaalid amray in Caqah kurka laga jaro, saa laga jaray, misna waxuu amray in dhammaan qafaalkii ciidankii Caqah la laayo, saa iyagiina waala laayey, haddana waxuu amray in kuwii qalcadda ee xukunkiisa u qoor keenayna la laayo, iyagiina saaxiibadoodii ayaa la raaciyey oo unuunka ayaa loo wada dheereeyay. Waxuu qaniimeystay Khaalid hantidii halkaa qalcadda ah tiilley oo idil. Kadib Khaalid waxuu aaday kaniisad halkaa ku tiillay oo ay 40 wiil ku baranayeen kitaabka Injiil-ka, iyagoo albaabka hoosta uga xiran yahay, dabeetana albaabkii ayuu ku jebiyey oo soo wada qafaashay. Waxaana kamid ahaa wiilashaasi Ximraan mowlaa Cuthmaan bin Cafaan iyo Siiriin mowlaa Anas bin Maalik (iimaamka weyn ee Maxammed ibnu Siiriin aabahiis), iyo kuwa badan oo kamid ah culimada mash-huurka ah.

Khaalid bin Waliid waxuu diray khumuskii qaniimada isagoo u dhiibay Al Waliid bin Cuqbah si uu ugu geeyo khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq. Markii uu Al Waliid howshiisii gutay ayuu Abuu Bakar u diray dhanka Ciyaad bin Qanam oo kusugnaa Duumatul-jandal si uu ugu gurmado. Markii uu Al Waliid u tegay Cayaad baa waxuu Cayaad yiri:- Waliidoow! ra’yiga barkiis waxuu ka wanaagsanyahay ciidan badan, ee maxaad adigu ra’yi ka qabtaa xaaladda aan kusugannahay?

Waxuu yiri Al Waliid:- U qor warqad dhanka Khaalid bin Waliid si uu gurmad xaggiisa kaaga soo diro. Markaa buu Cayaad warqad u diray dhankii Khaalid bin Waliid uu kaga dalbanayo gurmad, waxayna warqaddaa utegtay Khaalid waqti uu ku jiray howshii Caynu-Tamar. Saa isagiina waxuu usoo qoray warqad jawaab ah oo uu ku leeyahay u kaadi wax yar, waxaa kuso gaari doona ciidan gurmad ahe.

Dhacdadii Duumatul- Jundal

Duumatul-Jundal waxay ahayd magaalo ku tiilay koonfurta Shaam iyo waqooyiga jasiirada Carabta, waxayna u dhaweyd Tabuuk. Magaalada Madiina waxaa Duumatul-Jundal looga soconayay 15 casho, halka Dimishiqna ay u jirta toban maalin socod ah.

Abuu Bakar baa horey ugu diray ciidamo uu hoggaaminayo Cayaad bin Qanam, dhankeeda waqooyina waxuu u diray Khaalid bin Waliid oo isagu usii gudbay Xiirah markii uu usocday dhanka Ciraaq. Haddaba markii uu Khaalid furtay Al Ambaar iyo Caynu Tamar ayuu guushii iyo khumuskii qaniimada la diray Al Waliid bin Cuqbah si uu Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar ugu geeyo. Markiina uu howshii soo gutay Waliid buu Abuu Bakar u diray dhanka Cayaad iyo Duumatul-Jundal si gurmad ahaan. Intaa kadib waata uu Cayaad la tashtay Al Waliid, oo Waliidna uu ku taliyey in uu warqad Khaalid u qoro uu kaga gurmad dalban, markaas waatii uu Cayaad warqadda u diray Khaalid, warqaddaana waxay Khaalid gaartay bartamiha dhacdadii Caynu-Tamar, markaa waatii uu Khaalid amray Cayaad inuu uyara kaadiyo tan iyo intuu kasoo gaari doono goor aan sii fogeyn.

Intaa dabadeed Allaah Sarreeye baa nasri iyo guul ka siiyey ciidamadii Muslimiinta goobtii Caynu-Tamar oo Khaalid waata uu furtay, kana helay qaniimo tiro badan. Markaa ayuu Caynu-Tamar ku dhaafay Cuweymir bin Kaahin Al Aslami madax ahaan, isagii iyo ciidankiisiina waxay abbaareen dhankii Duumatul-Jundal iyo ciidamadii Cayaad. Reer Duumatul-Jundal markii ay ka war heleen soo galootiga Khaalid iyo ciidamadiisa ayay u cid dirsadeen axsaabtoodii ay xulufada ahaayeen oo ay kamid ahaayeen banii Bahraa’i, Tanuukh, Kalbi, Ghazaan iyo Dhujaacim si ay ugu gurmadaan, iyagiina waa ay yeeleen. Ghazaan iyo Tanuukh maalintaa waxaa hoggaaminayey Jablah Ibnu Al ayham, Dhajaacim-na waxaa hoggaaminayey Ibnu Xadrajaan. Reer Duumatul-Jundal-na waxaa markaasi madax u ahaa labo nin oo midi uu ahaa Ukeydar bin C/malik, halka kan kalena uu ahaa Juudi bin Rabiica. Labadan nin waxaa ka dhex aloolsanaa khilaaf ku aaddan la dagaallanka ciidanka Khaalid, Ukeydar isagu waxuu qabay in aanan lala dagaallamin Khaalid, waxuuna ku naseexeeyay in lala heshiiyo isagoo ku cataabay inuu dadka kaga ogaal badan yahay Khaalid, Juudise isagu waxuu qabay in lala dagaallamo, wuuna khilaafay ra’yigii Ukeydar. Markaas buu Khaalid diray Caasim bin Camr (oo ahaa halyeey la dhashay Al Qacqaac bin Camr) oo uu u diray dhanka Ukeydar, saa Caasim waa uu soo qabtay qafaal ahaan, waxuuna u keenay Khaalid, dabeetana waxuu amray in qoorta laga jaro.

Kadib waxaa isasoo hor degay labadii qolo, ciidankii Khaalid iyo kuwii reer Duumatul-Jundal oo uu hor kacayo Al Juudi bin Rabiicah. Khaalid tabtiisii dagaal ayu la soo baxay, isagoo Duumatul-Jundal ka dhigay mid isaga iyo ciidamadii Cayaad bin Qanam u dhaxayso, markaa bay reer Duumatul-Jundal ciidankoodii ukala qaybiyeen labo qaybood, qayb waxay u direen dhanka Cayaad, qaybta kalena jihadii Khaalid. Markaa buu Khaalid kuwii jihadiisa ahaa weerar ku qaaday, waxuuna soo qafaashay Juudi bin Rabiicah. Al Aqrac bin Xaabisna waxuu soo qafaashay Wadiicah, markaasay si xun u jabeen ciidankii Mushrikiinta oo u kala rooreen dhanka qalcadda oo isku aruuriyeen, markaasay in badan ka buuxsantahay qalcadda, saa Khaalid baa ka dul yimid oo si daran u laayey intii uu bannaanka qalcadda ka helay. Kadibna waxuu amray in Al Juudi bin Rabiicah kurka laga jaro isaga iyo dhammaan intii lasoo qafaashayba, marka laga reebo qafaalkii banii Kalbi oo ay magan geliyeen Caasim bin Camr iyo Al Aqrac bin Xaabis. Arrintaas magan gelinta ah Khaalid ma uusan u rayaaqin oo raalli kama uusan ahayn, hase ahaatee waxuu ku qaabilay waji caro isagoo ku yiri Caasim iyo Al Aqrac iyo waliba banii Tamiim oo iyagu magan geliyay kuwaas:” Oo maxaa nakala haysto aniga iyo idinka? Ma waxaad dhowreysaan amarkii jaahiliyada oo aad dayacaysaan amarkii Islaamka? Caasim bin Camr baa u jawaabay oo ku yiri:- Oo ma waxaad ka xasdeysaa (Khaalidoow!) inaad iska saamaxdo.

Intaa kadib Khaalid wuu u cafiyey, dabeetana waa uu dhaqaaqay oo waxuu ku gaaf wareegtay albaabkii qalcadda jeer uu markii dambe jabiyey. Markaasuu laayey wixii ku jiray oo dagaallami karay amaba kamid ahaa kuwii soo jabay, waxuuna qafaashay carruurtii iyo dumarkii. Waxaana uu ka qaniimeystay qaniimo tiro badan, halkana waxuu Khaalid ku guursaday gabadh uu dhalay Al Juudi oo uu la aqal galay kadib markay cuddadii udhammaatay. Kadibna waxuu u gaddoomay dhankii magaaladiisii, Al Aqracna waxuu u diray dhankii Al Ambaar, markii uu Khaalid Xiirah galayayna waxuu yimid iyadoo ay dadkii kusoo dhaweeyeen bogaadin iyo tahniyad.

Waxaa la sheegaa dhacdadan Duumatul-Jundal inay dhacday Rajab sanadkii 12-aad ee Hijriyada (Septembar 633 miillaadiyada).

Dhacdooyinkii Xusayid & Muddayix

Markii uu Khaalid ka faaruqay Duumatul-Jundal, waxuu ku yara nagaaday muddo, markaasay Cajamtii Furus iyo Carabtii tabaca u ahayd ay isku aruursadeen la dagaalanka Khaalid iyo inay dhulkooda ka saaraan, waxayna abbaareen dhankii Al Ambaar si ay Az Zabarqaan bin Bader oo Khaalid masuul uga ahaa ay uga saaraan. Markii uu Zabarqaan, warkaasi maqlay buu warqad u diray Al Qacqaac bin Camr oo Xiirah masuul uga ahaa Khaalid. Haddaba markaa ayuu Al Qacqaac diray ciidan uu hoggaaminaya Abuu Leylaa Acbad bin Fadaki As-Sacdi, waxuuna u diray dhanka Al Xusayid, misna waxuu kaloo diray ciidan kale oo uu madax u yahay Curwah bin Abii Jacdah Al Baaruqiyu oo uu u diray dhanka Al Khanaafis. Kadibna waxaa yimid Xiirah ciidankii Khaalid bin Waliid oo ka yimid dhanka Duumatul-Jundal, waxaana markaa ka go’neyd Khaalid inuu weeraro, xaruntii boqortooyadii Furus ee Al Madaa’in oo ay tiillay sariirtii boqorka iyo hantidii guud ee Faaris, waxuuna Khaalid taas u karhay sabab la xidhiidho isagoon wax idan ah ka haysan Khaliifadii Rasuulka Alle SCW ee Abuu Bakar Siddiiq.

Taas baddalkeedii waxuu isku mashquuliyey la dagaallanka Carabtii tabaca u ahayd Furus iyo wixii soo raaco ee majuusta kamid ah. Dabeeta wuxuu Khaalid diray Al Qacqaac bin Camr oo uu madax uga dhigay ciidanka baxay, waxayna ku kulmeen cadawga goob la yiraahdo Al Xusayid. Cajamta Furusna waxaa hoggaaminayey nin la oran jiray Rowzabah, waxaana u soo gurmaday ciidan kale oo uu hoggaaminayey amiir kale oo la oran jiray Zarmihri. Halkaasi waxaa ka dhacay dagaal aad u kulul oo dhex maray ciidamadii Muslimiinta iyo kuwii Mushrikiinta ahaa ee Majuusta, muddo yar kadibna waa ay jabeen kufaartii, oo amiirkoodii Rowzabah-na waxaa gacantiisa ku dilay nin kamid ah Muslimiinta oo la oran jiray Cismah bin C/llaahi Al Dhabyu, Zarmihri-na waxaa dilay halyeeygii weynaa ee Al Qacqaac bin Camr. Muslimiintiina waxay qaniimeysteen qaniimo tiro badan, waxaana cararay intii carari kartay ee ciidamadii Cajamta, waxayna iskugu tegeen goob la yiraahdo Al Khanaafis. Dabeeta waxaa ku baxay Abuu Leylaa Acbad bin Al Fadaki. Markiina ay Mushrikiintu ka war heleen arrinkaasi bayna usii carareen dhanka Al Mudhayix. Markii ay halkaas degeen buu Khaalid ku dhaqaaqay dhankoodii. Goor ay hurdaan buuna soo dooxateeyay oo wada laayey, kama aysanna fakan cidna marka laga reebo qafaalkii mooyaan.

Cadiyi bin Xaatim waxuu yiri:- Dooxeyntani ayaa waxaan ugu nimid nin la oran jiray Xurquus bin Nucmaan An-Nimri oo ay hareerahiisu fadhiyaan wiilashiisii, gabdhihiisii iyo haweeneydiisii isagoo usoo dhigay weel ay ku jirto khamro oo uu ku oranayo:- Cabbo. Iyaguna ay oranayaan:- Ma waxaa jiro qof cabbo (khamro) saacaddan oo kale, iyadoo ay tanina tahay ciidamadii Khaalid oo soo galay? Waxuu ku yiri:- Cabbo cabbid sogootin ah, waayo umaleyn maayo in aad dabadii khamri cabbi doontaane. Markaasay wada cabbeen. Muslimiintii baa markaasi inta ay u yimideen isagii dileen, carruurtiisii iyo dumarkiisiina ay ka qafaasheen.

Dhacdadan waxaa lagu dilay labo nin oo horey u Muslimtay, warqad magan galyo ahna ka haysatay dhanka Khaliifadii Rasuulka Alle SCW ee Abuu Bakar. Midi magaciisa wuxuu ahaa Cabdulcuzza bin Abii Raham bin Qirwaash, waxaa dilay Jariir bin C/llaahi Al Bujali, halka kan kalena la oran jiray Lubeyd bin Jariir. Asaguna waxaa dilay qaar kamid ah ciidamada Muslimiinta, mana aysan ogeyn Muslimiinta arrinkaasi ah Islaannimada labada nin. Markii uu warkaasi gaaray Abuu Bakar Siddiiq wuxuu guday diyadoodii. Cumar bin Al Khadaab baa Abuu Bakar kala hadlay arrinka Khaalid kana codsaday inuu casilo, hase ahaatee Abuu Bakar ma uusan yeelin taas waxuuna yiri:- Sidaa oo kale ayuu la kulmayaa qofkii dhex joogo dhul dagaal. Dhanka kale, wuxuu Abuu Bakar daliishaday xadiis Nebigu SCW laga weriyey, kaasoona caddeynaya in aanay dimmada Alle iyo Rasuulkiisa ku jirin dadka kusugan dhulalka gaalada. Kadib wuxuu Khaalid aruuriyey qaniimadii oo inta khumuskii ka saaray u qaybiyey ciidankii, khumuskiina waxuu u diray magaaladii Madiina iyo dhankii khaliifkii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Illaahay haka raalli noqdee.

Dhacdadii Al Firaadh

Kadib buu Khaalid ku dhaqaaqay dhanka Firaadh, Firaadh waa meel ay ku kulmaan Jaziiradda Carabta, Shaam iyo Ciraaq. Halkaas ayuuna ku sugnaa bishii Ramadaan isagoo af-furan si uu ugu ad adkaado jihaadka iyo howlahii militari ee uu waday. Markii uu Ruumaankii gaaray warka ah in Khaalid uu soo degay cirif u dhaw dhulkooda, ayay taas aad uga murugoodeen, waxayna diyaariyeen ciidan culus iyagoo gurmadna u dirsaday Carabtii Nasaareyda ee tabaca u ahayd oo ay kamid ahaayeen banii Taqlab, Iyaad iyo Nimar oo iyagiina way usoo gurmadeen, kadibna waxay usoo guureen dhankii Khaalid, waxaana kala dhex galay webiga Furaat, markaasay Roomaankii yiraahdeen:- Ama inoosoo gudbo ama aanu idiin soo gudubna? Khaalid oo aad ugu xeel dheeraa arrimaha dagaalka, loogana dambeeyay ayaa waxuu ugu jawaabay:- Mayee idinku inoosoo gudbo. Markaasay usoo gudbeen bishii Dilqacda ee sanadkan 12-aad ee Hijriyada, waxaana dhex maray dagaal aad u kulul, oo muddo kadib Alle ku hoojiyey cadawgii isbahaysitada oo ay jabeen, halkaasoo guul ay kusoo hoyeen ciidamadii Muslimiinta ee uu horkacayey abaanduule Khaalid bin Waliid. (Seyfullaah Al Masluul).

Waxaa macrikadan Ruumaanka iyo tabaciisuba looga laayey 100 000, Khaalidna waxuu kusii nagaaday goobta Firaadh muddo 10 casho ah. Kadibna wuxuu iclaamiyey guurid iyo in loo rarto dhankii Xiirah iyadoo ay shan casho kadhimantahay bishii Dil-Xijjah, waxuuna ciidankiisii hore madax uga dhigay Caasim bin Camr, kuwa dambana waxuu u dhiibay Shajrah bin Al- Acaz. Kadibna waala dhaqaaqay oo waxaa foolka la saaray dhankii Xiirah, isaguna Khaalid waxuu muujistay inuu ciidanka dambe kujiro, markaasuu xayn kamid ah asxaabtiisa intuu la baxay ayuu aaday dhanka Masjidul-Xaraamka, isagoon la ogeyn, waxuuna maray jid uusan waligii horey umarin, muddo yar kadibna waxuu tegay xajkii oo uu soo gutay sanadkan isagoo ay cidina ogeyn marka laga reebo xayntii la socotay ee saxaabada iyo dadkii xajka kula kulmay mooyaan. Kadib Khaalid waa uusoo laabtay oo waxuu ka daba yimid ciidankiisii dambe oo aan weli Xiirah gaarin, mana la dareemin xajiikiisa sanadkan. Abuu Bakarna ma uusan ogaan xajka Khaalid jeer ay u sheegeen dadkii muwaasimta xajka kasoo guddoomay. Markaa buu warqad u diray uu ku canaananayo kategidda uu ciidanka ka tegay isagoon ogeysiinin. Waxuuna ciqaab uga dhigay inuu u dirayo dhanka Shaam oo uu ka wareejinaya Ciraaq.

Waxaa sanadkan (yacnii sanadka 12aad ee Hijriga) uu Abuu Bakar jideeyay in la qora kitaabka Quraanka ah kadib markii ay raggii xufaadda ahaa ay ku shahiideen dagaalladii lagu qaaday dadkii riddoobay, waxaana fikraddaasi lahaa Cumar bin Khaddaab oo isagu kula taliyey Abuu Bakar inuu qoro Quraanka.

Markaa ka horna ma uusan kulmisneen, oo wixii loo baahdo waxaa laga qaadan jiray dadkii qurraada ahaa iyo dadka qaar oo ku qoran jiray warqadaha iyo jaldiyada iyo baalasha geed timreedda iwm, markaa ayaa la qoray, waxaana loo xilsaaray inuu qora Zeyd bin Thaabit Allaha ka raalli noqdee, markii la qorayna waxaa la dhigay gurigii Xafsah bint Cumar.

Isla sanadkan waxaa dadka xajiyey Abuu Bakar Sidiiq sida uu Ibnu Isxaaq soo weriyey, waxuuna magaalada uga tegay Cuthmaan bin Caffaan.

Waxuu yiri Ibnu Isxaaq:- Waxaa ay dadku (Mu’arrakhiintu) sheegaan in uusan Abuu Bakar khilaafadiisii xajinin dadka ee uu u diray muwaasimta Cumar ama C/Raxmaan bin Cowf. (Sidan ayaana xaqiiqda u dhaw).

SANADKII 13AAD EE HIJRIYADA

Markii uu sanadkan bishay, howlahii waa ay fududaadeen, Abuu Bakar-na waxuu go’aansaday inuu diyaariyo ciidamo uu u diro dhanka Shaam. Taasina waxay ahayd markii laga soo laabtay xajka sanadkii 12aad, isagoo ku camal falayo qowla Alle Sarreeye ee ah: kuwa xaqa rummeeyayoow!! la dagaallama kuwa idiin dhaw (oo gaalada ah), hana idin ka helaan ad adkaan, ogaadana inuu Allaah la jiro kuwa dhowrsada. (Suurat Towbah- aayadda 123aad). iyo qowlkiisa SW ee ah: La dagaallama kuwa aan rumeynin Allaah iyo maalinta aakhiro. (Suurat Towbah- aayadda 29aad). Iyo kudayasho uu ku dayanayo Rasuulkii Alle SCW oo isagu horey ugu duullay dhulka Shaam sanadkii 9aad ee Hijriyada, isagoogaaray waqti kuleeyl daran, iyo isagoo ciidan kale u diyaariyey ku duulidda dhulka Shaam, taasoo ahayd ka hor geeridiisii dhowr maalmood, waana ciidankii uu madaxa uga dhigay Usaama bin Zeyd ee uu Abuu Bakar diray. Taa kadib markii uu Abuu Bakar nadiifiyey Jaziiraddii Carabta, ayuu gacantisii midigta u fidiyey dhanka Ciraaq oo waata uu diray Khaalid bin Waliid, sidaa si lamid ayuu jecleystay in uu dhanka Shaamna u diyaariyo ciidamo kale, ugu horreeynna waxuu jideeyay in marka hore ay madaxdii ku kala tegsaneed jaziiradda ay isku yimaadaan, markaa bay yimideen, madaxdii oo ay kamid ahaayeen Camr bin Al Caas oo Dhanka Qudhaaca jiray iyo Al Waliid bin Cuqbah, Khaalid bin Saciid bin Al Caas oo ka yimid Yeman oo uu masuul ka ahaa waqtigii Rasuulka SCW, waxuuna Khaalid Madiina yimid kadib dhimashadii Rasuulka SCW mar laga joog bil, waxaa kaloo yimid kuwa kale oo uu kujiray Cikramah.

Kadib Abuu Bakar waxuu diyaariyey ciidamo si uu ugu diro dhanka Shaam. Taa ka horna waxaan horey usoo xusnay in 11-kii ciidan ee uu Abuu Bakar Dul-qassa kadirayey uu ku jiray Khaalid bin Saciid bin Al Caas oo loo diray dhanka bariga Shaam.

Haddaba markii uu Khaalid bin Saciid ka yimid Yeman, waxuu arrinta Khilaafada u arkayey in uu Cali mudan yahay, markaasuu u tegay Cali iyo Cuthmaan oo uu ku yiri:- Abal Xasanoow! reer Cabdumanafow! ma waxaa la idin kaga adkaaday arrinka? Cali baa markaa ku yiri:- Ma waxaad u aragtay adkaansho ama khilaafo?. Khaalid wuxuu u olaleynayay oo uu rabay in Khilaafada uu mudanyahay Cali. Mar dambase wuu degay kadib markii uu arkay in Cali qudhidiisu uu la mubaayacooday Abuu Bakar oo misna uu la shaqeynayo. Dabeeta markii uu Abuu Bakar dhisayey ciidamadiisa oo uu calankaKhaalid bin Saciid u xirayey ayuu Cumar u sheegay Abuu Bakar hadalladii Khaalid. Waxaa la sheegaa in uu Abuu Bakar Khaalid markaa cazilay oo uu u diray dhanka Teymaa. Waxaa kaloo la yiraahdaa:- Calankii ugu horreeyay ee uu Abuu Bakar u xiraa ciidamadii ku baxay Shaam waxuu ahaa calankii Khaalid bin Saciid bin Al Caas.

Kadib waxuu xiray calanka kale uu uu u dhiibay Yaziid bin Abii Sufyaan, waxuuna ku wajahay dhanka Dimishiq. Markii uu Abuu Bakar dirayey ciidanka Yaziid, waxuu Yaziid saarnaa daabbadiisa Abuu Bakar-na waa uu lugaynayey oo u dardaarmayey, kadibna waa uu kasoo laabtay kadib markuu sagootiyey, waxuuna maray ciidanka Yaziid dariiqa Tabuuk, waxaana la socday jamaahiir kamid ah raggii caanka ahaa oo uu kamid ahaa Suheyl bin Camr Al Caamiri iyo kuwa lamid ah oo rag karmeedyadii reer Makka kamid ah.

Kadib waxuu diray ciidan kale oo uu madax uga dhigay Abuu Cubeydah bin Caamir bin Al Jarraax, waxuuna ku wajjahay dhanka Ximsa, dabeeta Abuu Bakar waa uu la baxay ciidanka Abuu Cubeyda oo sagootiyey isagoo u dardaarmayo, kadibna waa uu ka soo laabtay.

Misna waxuu diray ciidan kale oo uu hoggaaminayo Camr bin Al Caas oo uu ku wajahay dhanka Falastiin. Amiir kastoo kamid ah amiiradaasina waxuu Abuu Bakar amray in uu ciidankiisa mariyo dariiq aan ahayn kan uu ciidanka kale maray isagoo arrintaa uga dayanayo Nebiyullaahi Yacquub CS markii uu ku lahaa wiilashiisa: Waxuu yiri Maandhooyin, ha ka gelina albaab qura, ee ka galo albaabyo kala tegsan, idinkaga tari mahayo xagga Alle waxbo, xukun dhammaantiina waxaa uun leh Allaah, oo isaga ayunbaana talo saaran, isaga uunna ha talo saartaan kuwa talo saarta. (Suurat Yuusuf – aayadda 67aad) .

Al Madaa’ini wuxuu leeyahay: Abuu Bakar Siddiiq waxuu ciidamadan diray horaantii sanadkan.

Maxamed bin Isxaaq-na waxuu ku daray markuu ka hadlayay ciidamadaas in Abuu Bakar uu ka daba diray ciidankii Abuu Cubeyda ciidan kaloo uu hoggaamin Shuraaxbiil bin Xasana. Camar bin Al Caasna uu degay Al Carmaat, goob kamid ah dhulka Shaam.

Ciidankii Yaziidna markii ugu horeysay waxay degeen Bulqaa, ciidankii Shuraaxbiilna dhulka Urdun, ciidamadii Abuu Cubeydana waxay degeen Jaabiyah. Abuu Bakar Sidiiqna waxuu kasoo daba diray ciidamo gurmad ah, waxuuna amray in mid waliba uu ku biiri karo madaxda ciidamada Shaam kii uu doono.

Waxaa la yiraahdaa Abuu Cubeydah waxuu sii maray Bulqaa, oo uu halkaa dadkeedii kula dagaallamay jeer ay markii dambe heshiis la galeen, waxayna ahayd heshiiskii ugu horreeyay ee ka dhaca dhulka Shaam oo ay Muslimiinta la galaan.

Waxaa kaloo la yiraahdaa:- Dagaalkii ugu horeeyay ee ay ciidamadaas kula galaan Ruumaanka dhulka Shaam waxuu ahaa, in ay koox Ruumaan ah ay iskugu tegeen meel la yiraahdo Al Cariyah oo ka tirsan dhulka Falastiin, markaa baa waxaa ku dhaqaaqay sirrayad uu hoggaaminayey Abuu Umaamah Sudday bin Cijlaan Al Baahiliyu oo la dagaallamay, khalqi badanna ka laayey kana soo qaniimeystay qaniimo tiro badan.

Dhacdadan kadibna waxaa dhacday dhaxdadii Maraj As Sufur, oo uu Khaalid bin Saciid bin Al Caas ku shahiiday sida la sheego, waxayse culimada taariikhyahannadu badi qabaan in uusan Khaalid ku shahiidin Maraj As Sufur ee uu ahaa kan ku shahiiday wiil uu dhalay oo la oran jiray Saciid bin Khaalid bin Saciid. Isaguse Khaalid waa uu cararay ilaa uu ka gaaray dhulka Xijaas. Wallaahu Aclam.

Culimo uu kamid yahay Ibnu Jariir Ad-Dabari, waxay qabaan in Khaalid bin Saciid markii uu gaaray dhulka Taymaa, ay halkaas isugu aruureen ciidamada tiro badan oo Ruumaan ah oo ay la jiraan khalqi badan oo kamid ah Carabtii Nasaareyda oo ay kamid yahiin banii Ghiirah, Tanuukh, Lakham, Judaam, banii Kalbi, Suleyx iyo Ghasaan. Markii uu Khaalid kusoo dhawaaday junuuddaas ayay kala tegeen, in badan oo kamid ah ayaana islaamka soo gashay. Markaasuu Khaalid u diray warqad dhankii Abuu Bakar Sidiiq uu xaaladda kula socodsiin, waxii furasho iyo nasri uu Alle meeshaa kusiiyey. Markaa buu Abuu Bakar soo amray in uu horey usocda, waxuuna usoo diray ciidamo gurmad ah oo ay wataan Waliid bin Cuqbah iyo Cikrimah bin Abuu Jahal. Kadib waa uu dhaqaaqay Khaalid, markiina uu kudhawaaday magaalada Ii-liyaa ayuu halkaas kula kulmay ciidamo Ruumaan ah oo uu hoggaaminayo nin la oran jiray Maahaan, kadibna waxaa dhex maray dagaal lagu jebiyey Maahaan iyo ciidankiisii, Maahaanna waxuu u cararay dhanka Dimishiq. Khaalid bin Saciid kamuusan harine waa uu sii daba raacday, markaasaa waxaa Ruumaankii u yimid gurmad culus oo deg deg ah oo way soo rogaal celiyeen, waxayna soo gaadheen Maraj-Sufur, halkaasoo ay isku heleen, Khaalidna wuu cararay oo ma istaagin jeer uu gaaray Dii-marwah. Maalinta waxaa sugnaaday Cikrimah bin Abii Jahal, in badan oo kamid ah ciidamadii Khaalidna waxay orad ku galeen magaaladii Madiina, Khaalidse isaga iyo qayb kamid ah ciidankiisii waxay degeen Dii-marwah oo waxuu ka xishooday inuu Madiina tego, markaasuu Abuu Bakar amray Shuraaxbil bin Xasana oo isagu markii uu soo gaadhay Khaalid oo kusugan goobtii Dii-marwah ka kaxaystay qayb kamid ah ciidamadii lasoojabsatay. Dabeeto Abuu Bakar waxuu diyaariyey kuwii soo jabsaday ee Madiina yimid iyo ciidamo kale oo iskudhaf ah, waxuuna madax uga dhigay Mucaawiyah bin Abuu Sufyan oo waxuuna kadaba diray walaalkiis Yaziid. Markii uu Mucaawiyah soo gaaray goobta Dii-marwah ayuu isaguna kaxaystay qaybtii ka hadhay ciidankii Khaalid ee kula sugneyd meeshaa. Kadib Abuu Bakar Sidiiq waxuu amray inuu Khaalid yimaado magaalada Madiina, waxuuna oran jiray: Cumar baa Khaalid iiga ogaal badan”. Waxaa kaloo la sheegaa inuu yiri:” Cumar baa ragga iiga ogaal badan”. Wallaahu aclam.

Dagaalkii Yarmuuk

Dhacdadan Yarmuuk waxay ahayd mid aad u weyn oo ka dhacday dhulka Shaam. Waxaana ay dhex martay ciidamadii Muslimiinta oo uu hoggaaminayo Khaalid bin Waliid iyo kuwii Ruumaanka.

Sida ay qabaan Sayf bin Cumar iyo Ibnu Jariir, dhacdadani waxay dhacday sanadkan dhexdiisa, yacni sanadka 13aad ee hijriyada.

Markii ciidamadii uu Abuu Bakar dhulka Shaam u diray ay gaareen carrigaasi, bay Ruumaankii aad uga argagaxeen oo ay si daran uga naxeen. Waxay markaasi warqad u qorteen boqorkoodii Hiriqal oo markaas kusugnaa Ximsa. Waxaa kaloo layiraahdaa sanadkan buu usoo xajiyey Beytul maqdis. Markii uu khabarkii gaaray buu dadkiisii ku yiri:- Kuwani Illaah baan kudhaartaye waa ahlu diin cusub, mana jirto cid hor istaagi karto ee i adeeca oo kula heshiiya inaad uga baxdaan dhulka Shaam nuskiisa oo ay markaa idiin soo harto buuraha Ruum. Haddaydaan sidaa yeelin oo aad diiddaan waxay idinkala wareegayaan Shaam oo idil, buuraha Ruumna way idinku cidhiidhi gelinayaan. Ruumaanka oo awalba garasho iyo faham yaraa, caqligooduna uu gurracnaa, markii ay maqleen taladii wacneyd ee uu boqorkoodii usoo jeediyey baa waxay uga dideen sida ay dameeruhu uga didaan waxuushta. Waxayna lasoo istaageen dagaal iyo inay is difaacaan. Markaa iyada ah buu boqor Hiriqal isku dayey inuu diyaariyo ciidamo culus oo loo diro dhanka Muslimiinta, waxuuna amray in ciidan kasto loo sameeyo amiir qaas ah oo uu sidaa ugu diro dhanka amiir kasto oo jihada Abuu Bakar ka socdo amiir kale oo jihadiisa kasocda oo ciidamo culus wato. Waxuu dhankii Camr bin Al Caas udiray walaalkiis dhanka hooyo iyo aabo ay ka walaalo ahaayeen oo la oran jiray Tadaariq, waxuuna sitay 60 000 oo dagaalyahanno ah. Dhankii Yaziid bin Abuu Sufyaan waxuu udiray Jurjah bin Bowdiyaha Al Armani oo 50 000 ama 60 000 oo dagaalyanno wato. Qeyqaar ama Qeyqalaan oo 60 000 watana waxuu udiray dhankii Abuu Cubeydah bin Jarraax. Waxay Ruumaankii maalintaa iyada ah yiraahdeen:- Illaah baan kudhaarannaye, waxaan Abuu Bakar kushuqlineynaa inuu fardahiisa kala laabto dhulkayaga. Isku dar ciidamadii Muslimiinta maalintaas waxay ahaayeen 21 000 marka laga reebo kuwii uu watay Cikramah bin Abuu Jahal oo kusugnaa cirif kamid ah dhulka Shaam, waxaa kaloo lasheegaa inay dhammaayeen 24 000. Markii ay xaalladu halkaa mareyso bay madaxdii ciidamada Muslimiinta warqad u qoreen dhankii Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq iyo jaallahiisii Cumar bin Khaddaab, taasoo ay kula socodsiinayaan arrinta halka ay mareyso iyo sida ay Ruumaanku faleen. Markaa buu Abuu Bakar soo amray:- Isu tega oo noqda ciidan qura, oo markaa la kulmo ciidamada Mushrikiinta. Adinku waxaad tihiin Ansaartii Allaah, oo Allana wuu u gargaarayaa ciddii u gargaarto, wuuna dulleynayaa ciddii ku gaalowdo. Waxuu markaa yiri:- Illaah baan kudhaartaye waxaan Ruumaanku kaga shuqlin doonaa wiswiska sheydaanka Khaalid bin Waliid. Markaa buu Khaalid oo dhulka Ciraaq kusugnaa warqad udiray isagoo ku amrayo inuu Shaam aado oo ciidamada halkaa kusugan uu madax u noqdo, Ciraaqna uu masuul kusii dhaafo sida inoo iman doonto Inshaa Allaah.

Markii uu Hiriqal gaaray warka ah in Abuu Bakar uu ciidamadiisii soo amray inay halmeel isugu tegaan, buu isaguna ciidamadiisii sidoo kale amray inay halmeel isugu wada tegaan oo ay degaan goob istaraatiiji ah oo waasic ah, guud ahaanna ciidamadaasi oo idil waxuu madax uga dhigay walaalkiis Tadaariq, ciidamada hore waxuu madax uga dhigay Jurjah, labada dhinacna waxuu ukala dhiibay Maahaan iyo Duraaqis, ciidamada dhanka badda ahina waxuu u xilsaaray Qayqalaan. Markaa bay Ruumaankii soo dhaqaaqeen oo waxay soo degeen tog la yiraahdo Waaquusah oo u dhaw goobta Yarmuuk. Markaa iyada ah bay ciidamadii Muslimiinta Abuu Bakar u cid dirsadeen iyagoo ka dalbanayo gurmad, markaasuu Khaalid bin Waliid oo ku sugnaa Ciraaq sidaynu soo xusnay u diray warqad isagoo ku amrayo inuu aado Shaam oo ciidamada halkaasi joogo uu u noqdo madax. Waxuu amray inuu Ciraaq kudhaafo masuul oo isaga iyo ciidamadiisuna ay aadaan dhanka Shaam. Khaalid bin Waliid waxuu Ciraaq kudhaafay Muthannaa bin Xaaritha Ash- Sheybaani, waxuuna kala dhaqaaqay 9 500 oo ciidan ah isagoo daliil dhulka tusiyo uu uyahay Raafic bin Cumeyr Ad-Daayi. Wuu dhaqaaqay Khaalid isagoo kusii jeedo Shaam, waxuuna sii maray baadiyaha Samaawah ee dhulka Ciraaq. Waxuu sii socday illaa uu gaaray goob layiraahdo Quraaqir oo kamid ah dhulka banii Kalb waana goob leh biyo, halkaasoo uu degay. Kadib wuu kasii dhaqaaqay, Raaficna waxuu marinayey dhulal aanan horey cid umari jirtay aysan jirin. Waa dhul aysan lugtu ubaranin oo qahar iyo dhib badan oo buuro, geedo, dhagaxaan iyo qodxo badan leh. Waa halkii ay saxaabadu oonka darani iyo macluushu kuqabatay heer markii dambe ay qaar kamid ah awrtii gaadiidka u ahaa ay qasheen. Waxuu Khaalid Ruumaankii kasoo galay dhanka Tadammur, halkaasoo uu kula heshiiyey reer Tadammur iyo Arakah. Markii uu marayey Al Cudraa buu weerar ku qaaday qolooyinka Ghassaan oo uu ka qaniimeystay hanti badan. Wuu sii socday oo waxuu ka baxay dhanka bariga Dimishiq illaa uu ka gaaray Busra oo uu halkaa kula heshiiyey ninkii masuulka ka ahaa. Waxayna ahayd magaalladii ugu horeysay ee uu dhulka Shaam ka furto. Falillaahil Xamdu.

Kadib khumuskii qaniimada ee uu ka qaniimeystay reer Ghassaan buu u diray dhankii Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq isagoo horey ugu sii dhiibay Bilaal bin Al Xaarith Al Muzanni.

Kadib Khaalid waxuu gaaray ciidamadii Muslimiinta 9 casho kadib safarkiisii uu kasoo kicitimay dhanka Ciraaq. Markuu ciidamadii Muslimiinta gaarayna waxay taa unoqotay reyn reyn iyo farxad oo ciidamadii ayay niyadda u dhistay taasi, waayo Khaalid waxuu ahaa halyeey kudheereeyo arrimaha militerinnimada ah oo dhankaas waxuu ku ahaa axad looga dambeeyo, waxuuna ahaa abbaan duulo la mahadsho. Intaa dabeeto madaxdii iyo saadaaddii Muslimiinta ayaa shir u fadhiisteen, iyagoo ka shirayo sidii iyo qaabkii loo wajihi lahaa ciidamadan Ruumaanka ah ee cudud iyo cadadba la yimid. Abuu Sufyaan bin Xarbi baa kamid ahaa dadkii talada halkaa kasoo jeediyey waxuuna yiri:” Umaleyn maahayo inaan gaboobay illaa aan la kulmo qoom kashirayo qorsha dagaal oo aan ka qeyb qaadanin”. Kadib waxuu ishaaray in ciidamada Muslimiinta loo qeybiyo saddex qeybood, oo qeybi ay cadawga Ruumaanka hor fadhiisato, qeybta kalena oo ay kujiraan carruurta iyo maxastuna la dabo dhigo, qeybta saddexaadna uu la haro Khaalid bin Waliid.

Ciidamada Ruumaanka maalinta waxay silsilado ku xireen 30 000 ama 80 000 oo ciidamadooda kamid ah si aysan u cararin, tiro aan taas ahaynna waala sheegaa.

Intaa kadib Khaalid bin Waliid baa ciidamadii Musliiminta isu soo aruuriyey oo inta ka dhex istaagay amray wanaagga iyo midnimada iyo in la iska jiro tafaraaruqa oo loo midooba ladagaallanka cadawga. Waxaa kamid ahaa hadalladii uu halkaa kayiri kadib markuu mahadiyey Allaah oo uu amaanay:” Maanta tan waa maalin kamid ah maalmaha Illaah, oo aysan habbooneyn wax faan iyo xad gudub ah. Ubarax tiro jihaadkiina oo ula doono Allaah dartiis camalladiina. Maalintanna waa maalin leh wixii kadambeeyo oo haddii aan kucelinno godkooda, abad sidaa baanu u celin doonnaa, haddayse na jebiyaan liibaani mayno maanta kadib. Kaalayoo ha inasoo wado marto imaaraddu, si uu midkeen maanta uqabto, kan kalena uu berrito u qabto, midka kalena uu saad dambe qabto illaa ay inasoo wada marto, maantuse aniga ii daaya”. Labo kamid ah ciidamadii Muslimiinta iskuma aysan khilaafsaneyn inuu Khaalid ahaa shaqsi u qalmay inuu imaaraddaasi qabto oo dhammaan ciidanka oo idil waxay ogaayeen shaqsinnimadiisa iyo geesinnimadiisa, waxayna yaqiinsanaayeen kaalmada Alle darteed inuu Khaalid yahay qof ka saari karo Muslimiinta qoolka iyo dhibta ay kujireen maalintaas. Sidaa darteed bayna isku wada raaceen inuu isagu hoggaanka u haayo maadama uu Abuu Bakar Siddiiq usoo doortay.

Ruumaanku waxay maalintaa la yimideen ciidamo aanan horey looga baran tiro badi iyo hub-bo. Khaalid qudhiisu waxuu la yimid ciidama kuwii ugu cuslaa ee uu abad hoggaanka uqabto. Waxuu ciidamadiisii u qeybiyey 36 illaaa 40 guuto oo guuto kastaaba ay ka koobantahay kudhawaad 1000 nin, waxuuna u yeelay amiir guuta waliboo kamid ah guutooyinkaas. Intaa kadib waxuu dhisay ciidamadiisa isagoo ciidamada dhexda ah madax uga dhigay Abuu Cubeydah bin Jarraax, dhanka midigtuna waxuu udhiibay Camr bin Al Caas oo uu lasocdo Shuraxbiil bin Xasana, ciidamada bidixduna waxuu udhiibay Yaziid bin Abuu Sufyaan, aruurinta qaniimada waxaa loo xilsaaray C/llaahi bin Mascuud Al Hudali, qaadinnimada waxaa loo dhiibay maalinta Abii Dardaa, guubaabada iyo arrimaha kuboorinta dagaalkuna waxaa loo xilsaaray Abuu Sufyaan bin Xarbi, akhrinta quraanka iyo aayadaha jihaadkuna waxaa loo xilsaaray Al Miqdaad bin Camr, waxuuna akhrinayey suuratu Anfaal iyo aayadaha jihaadka, ciidamada lugta waxaa loo xilsaaray Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas, ciidamada fardooleyduna isaga Khaalid ah baa hoggaaminayey. Abuu Sufyaan bin Xarbi intuu guuto kasto oo kamid ah guutooyinka ciidamada Muslimiinta u tego ayuu ku boorinayey dagaalka isagoo markaana Alle ka baryayo inuu nasrigiisa kusoo dul dejiyo addoomadiisa.

Khaalid bin Waliid oo la tashanayo Abaa Cubeydah bin Jarraax ayaa ciidamadii fardooleyda u qeybiyey laba qeybood. Qeyb isaga Khaalid ayaa hoggaanka usii haayey, halka qeybta kalena uu u dhiibay Qeys bin Hubeyrah. Abuu Cubeydana waxuu ka qaaday ciidamadii dhexda ee uu hoggaaminayey, waxuuna madax uga dhigay ciidamadaas Saciid bin Zeyd bin Nufeyl Al Cadawi oo kamid ahaa tobankii jannada loogu bishaareeyay. Abuu Cubeydah waxuu geeyay gaadada dambe ee ciidanka si qofkii ciidamada Muslimiinta kamid ah ee soo cararo markii uu isaga arko uu u xishooda oo uu dib furunta ugu laabto. Intaa kadib waxuu Khaalid aaday dhankii dumarka oo uu markaa joogey ciidanka dabadiisa dambe, waxuuna siiyey seyfo oo uu ku yiri:- Qofkaad aragtaan oo soo cararo la dhaco seyfaha. Kadibna waxuu ulaabtay rugtiisii.

Cadadka ciidama Muslimiintu maalintaasi waxay ahaayeen sida tan:

21 000 oo ah ciidamadii afarta amiir ee isu tegay.

6 000 oo ah ciidamadii gurmadka ahaa ee Cikrimah bin Abuu Jahal uu watay.

9 500 oo ah ciidamadii uu Khaalid dhulka Ciraaq kala yimid.

3 000 oo kamid ah kuwii jabay maalintii Khaalid bin Saciid bin Al Caas.

Isku dar ciidamada Muslimiintu waxay ahaayeen 39 000 ama 40 000 Wallaahu aclam.

Ciidamada Ruumaanku waxay ahaayeen sidan:

80 000, oo ciidan ah.

40 000, ama 30 000 oo silsilado lagu soo xiray si ay u dhintaan.

40 000, oo xargo iyo camaamado lagu soo xiray si aysan u cararin.

80 000, oo gaadiid wadato

Dhammaan isku darkoodu waxuu ahaa 230 000 ama 240 000 Wallaahu aclam.

Intaa kadib wax la suga waa dagaalkii oo billawdo. Markay labadii ciidan is arkeen buu Abuu Cubeydah ka dhex istaagay isagoo guubaabinayo isago amray inay muujiyaan sabar iyo adkeysi waayo sabarku waxuu ka koriyaa gaallimada oo uu raalli geliyaa Rabbigu. Misna waxaa kacay Mucaad bin Jabal oo isaguan si wacan hadalka u dhigay waxuuna akhriyey aayadda 55aad ee suuratu Nuur. Waxaa kamid ahaa hadalladiisa:- Ka xishoodo Rabbigiin inuu idin arko adinkoo ka carareysaan cadawgiinna oo aad markaana kujirtaan qabashadiisa, iyadoonaay jirin goob aad u carartaan oo isaga Allaah ka sokeyso ama qeyrkiisa ah toona. Waxaa misna kacay Camr bin Al Caas oo isaguna wanaajiyey oo isagu u tilmaamay ciidamadii Muslimiinta inay daboolaan indhahooda si aysan ugu fidnoobin dumarka cas cas ee Ruumaanka oo deetana ay guuldarro goobtu timaaddo illeen macsi hadday timaado guul darraduna way lasocotaaye. Kadib Abuu Sufyaan baa kacay oo isaguna xasuusiyey inay yahiin Carab oo ay joogaan dhul cajam, ayna ka fogyahiin ehelladoodii, amiirkii mu’miniinta iyo gurmadii Muslimiintuba. Waxuuna xasuusiyey inay hor fadhiyaan cadaw ka cudud iyo cadad badan. Waxuu yiri:- Idin soo gaari meyso raxmadda Alle beritoole jeer aad la kulantaan cadawgiinna oo aad ka runsheegtaan oo aad kusabartaan yacni adkeystaan goobta macrikada ee fara saarka. Kadib wuu dhaqaaqay Abuu Sufyaan oo dumarkii ayuu u tegay oo sidaa si lamid ah uu ula soo hadlay isagoo la soo dardaarmay, kadibna wuu soolaabtay waxuuna ku qayliyey:- Kulanka Islaamkoow!! Waxaa yimid waxa aad aragtaan, waakan Rasuulkii Alle SCW oo hortiinna ah iyo jannadii. Sheydaan iyo naarna waa gadaashiina, kadib goobtiisii ayuu kusoo noqday. Kadib waxaa kacay Abaa Hureyrah oo yiri:- U deg dega xuurulcaynta iyo la dersidda Rabbigiin Cazza wajalla, Jannooyinka nagaadiga. Ma jirto goob uu Rabbigiin idiinkaga jecelyahay meeshan oo kale. Hooydaay!! ku sabra waxay leeyahiin fadli weyn. Ciidamadaasi waxaa kujiray 1000 saxaabadii Rasuulka SCW kamid ah, 100 kamid ahina waxay ahaayeen asxaabtii Bader.

Maahaan baa inta Safkii gaalada kasoobaxay u dhawaaqay Khaalid isagoo ka dalbanayo inuu usoo baxo si uu ula hadlo. Markaasuu Khaalid u baxay, waxayna ku kulmeen labada ciidan dhexdooda. Waxuu yiri:- Waxaanu ogaannay in waxa dhulkiina idinka soo saaray ay tahay gaajo, ee kaalayo waxaan idin siineynaa 10 Dirham qof kastoo idinka mid ah, sanadkan sanadkiisa kale marka la gaarana waxaan idiin soo direynaa mid lamid ah. Waxuu yiri Khaalid:- Ma ahan waxa dhulkayaga naga soo saaray sida aad sheegtay, waa inaanu nahay qowm cabbo dhiigga, waxaana ina soo gaartay in dhiigga Ruumaanku uusan jirin dhiig ka wanaagsan, marka sidaa baanu u nimid. Markaa bay Baahaan asxaabtiisii ku yiraahdeen:- Illaah baan ku dhaarannaye waxa kani waa waxii aan xaggooda ka sheegeynay.

Kadib Khaalid waxuu u tegay Al qacqaac bin Camr iyo Cikramah bin Abii Jahal oo hoggaaminayey qaar kamid ah guutooyinkii Muslimiinta ee maalintaas. Waxuu amray inay huriyaan dagaalka oo ay weerarro culus qaadaan. Kadib dagaalkii baa billawday. Ciidamada Ruumaanka waxaa la socday culimadoodii Qisisiinta iyo Ruhbaaniyiinta oo ku boorinayeen dagaalka iyo inay difaacaan diinta Nasaarada. Mar Alliyoy dhiiri gelinayaan ciidankooda bay aad u dhawaaqayeen, saa waxaa maqlay Mucaad bin Jabal oo yiri:- Alloow! gigil gommadahooda, oo rucbi kutuur qalbiyadooda, oo naguna soo deji dushayada raxmaddaada, oo na haleeshii kalmadda taqwada, oo na jecleysii la kulanka noogana raalli noqo qadaha.

Dagaalkan Yarmuuk saxaabadii kaqayb qaadatay waxaa kamid ahaa Zubayr bin Al Cawwaam oo maalintaa ahaa mid kamid ah saddexdii ugu fadli badneyd ciimada Muslimiinta ee halkaa kusugnayd. Waxuu Zubayr ahaa halyeey geesi ah oo hub ka dhawaajiyo loo muhdo ah, waxuuna aad ugu wacnaa fardo fuulka iyo seyfta oo si xarago leh cadawga loogu xasuuqa. Sidaa darteed baa dagaalkii oo socda ay uyimaadeen jamaaco kamid ah halyeeyadii iyo geesiyaashii Muslimiinta oo ka dalbadeen inuu la weerar qaado, markaasuu ku yiri:- Ma sugnaaneysaan. Markaa buu weerar qaaday oo ay iyana la qaadeen. Waxuuna ka dhex baxay ciidamadii dhexda ee Ruumaanka isagoo dhanka kale uga baxay, misna wuu kusoolaabtay isagoo intaasi laynayo layn daran cadawga. Misna mar kale buu sidii si lamid ah sameeyay isagoo ay lasocdaan asxaabtiisii heer markii dambe uu jilciyey safafkii Ruumaanka. Dagaalkii wuu darraaday, Ruumaankuna waxay la yimideen wacdaro aanan horey looga baran.

Maahaan ayaa weerar kusoo qaaday meymanadii Muslimiinta oo ay u badnaayeen, Khowlaan, Uzdi, reer Xadrumowd iyo Mudxij. Waxayse muujiyeen sugnaan iyagoo ka run sheegayo goobta fara saarka, heer markii dambe ay Ruumaankii weerar sidii buuro guurayo ah ay sooqaadeen. Maalintaa waxaa kashifmay banii Zubayd oo safkoodii dabciyey, dabeetana markay arkeen dumarkii Muslimaadka oo ulo iyo dhagaxaan la dhacayo kuwii firxaday bay is qabteen oo ay xishoodeen, dabeetana dib bay usoolaabteen. Waxaa maalintaa kashifmay jamaaco kamid ah Muslimiinta. Camr bin Al Caas iyo xayn uu kujiro iyagu way sibaxdeen, dabeetana way is qabteen oo way soolaabteen. Shuraxbiil ibnu Xasana qudhiisu wuu taraaraxay inkastoo uu is qabtay markuu maqlay dhawaqa mid kamid ah amaraada ciidanka oo akhrinayo qolka Alle Sarreeye:- Alle waxuu Mu’miniintu ka iibsaday nafahooda, inay usugnaatay Janno darteeda. ( Suuratu Towbah, aayadda 111aad ). Maalintaa waxaa sugnaaday Yaziid bin Abii Sufyaan, oo siday raayad kamid ah raayadahii Muslimiinta ee Maalintaas. Sababtuna waxay ahayd aabahii Abuu Sufyaan baa mar waliba guubaabinayey oo ku lahaa:- Maandhoow! dushaadu ha ahaato cabsida Alle, oo ha noqon sida aynoqdeen saaxiibadaa. Waxuu Abuu Sufyaan ku guubaabinayey inankiisa isagoo hoostaagnaa raayaddii uu siday, inuu sugnaado oo uu sabir iyo adkeysi muujiyo, oo uusan lamid noqon kuwa kashifmay maalintaa iyada ah. Mar Alliyoo uu Abuu Sufyaan wiilkiisa guubaabiyo, waxuu Yaziid jawaab ahaan u celinayey aabahiis:- Inshaa Allaah waan fali.

Cikrimah bin Abii Jahal waxuu yiri maalintaa:- Rasuulka Alle SCW baan goobo badan kula dagaal galay, ee ma maanta baan adinku idinka cararaa? Dabeeto waxuu kudhawaaqay, yaa igula mubaayacoonayo dhimasho? Markaasay xaggiisii usoo dideen 400 kamid ah halyeeyadii fardooleyda iyo geesiyaashii Muslimiinta oo ay kamid ahaayeen adeerkiis Al Xaarith bin Hishaam iyo Diraar bin Al Azwar. Waxay qaadeen weerar culus oo ay ka dagaallamayeen goobta tendhadii Khaalid agteeda, jeer markii dambe dhammaantood uu soo gaaray dhaawac, qaar kamid ahina ay ku ishtish-haadeen. Waa halka ay ku oomeen iyagoo dhaawac culusi hayo sida la sheego Cikramah bin Abuu Jahal, adeerkiis Al Xaarith bin Hishaam iyo Cayaash bin Abuu Rabiicah, oo markii biyo loo keenay oo midiba yiri midka kale horta sii, oo ay dabeeto iyagoonan cabbin biyahii ay wada geeriyoodeen.

Waxaa layiraahdaa:- Qofkii ugu horeeyay ee Muslimiinta ka dhinta maalintaa waxuu ahaa nin u yimid Abuu Cubaydah bin Al Jarraax oo ku yiri:- Annigu arrinteydu waan diyaarsaday ee majirtaa wax xaajo ah oo aan kaa gaarsiiyo Rasuulkii Alle SCW? Waxuu yiri Abuu Cubaydah:- Haah! igu salaan oo kuna dheh:- Rasuulkii Alloow! innagu waanu helnay wixii uu Rabbigayo inoo yaboohay oo dhab ah.

Markaa buu ninkii dhaqaaqay oo uu dagaallamay jeer la dilay isagoo shahiid ah.

Kadib markuu arkay Khaalid weerarka Ruumanka ee is daba joogga ah iyo in safafkii Muslimiintu ay dhowr jeer kashifmeen, buu weerar culus ku qaaday ciidamadii bidixda ee Ruumaanka, kuwaasoo markii hore weerarro is daba joog ah kusoo qaaday ciidamada midigta ee Muslimiinta. Markaa buu Khaalid dagaallamay dagaal aad u daran. Markaa buu liiciyey oo uu ku daray ciidamadii Ruumaanka ee dhexda, waxuuna kaga laayey weerarkaas gaalada 6 000, kadiba waxuu yiri:” Kan ay nafteydu gacantiisu kujirto baan ku dhaartaye uma aysan harin wax sabar ah iyo ad adkaan, aan ka ahayn sida aad ka aragtaan, waxaanna rajaynayaa inuu Alle idinka siiyo guusho”. Markaa buu mar kale kaxaystay 100 fardooley ah oo uu weerar culus ku qaaday 1000 Ruumaan ah, markiina ay Ruumaanku arkeen weerarka labaad ee Khaalid bay dhanka kale ujabeen.

Goor dagaalka lagu jiro oo xaalladu kulushahay baa waxaa timid warqad sheegeyso geerida ku timid Abuu Bakar Siddiiq iyo in Khilaafadii uu bacdigiisa qabtay Cumar iyo in weliba imaaradda Shaam uu u soo wakiishay Abuu Cubaydah bin Al Jarraax, Khaalidna uu ka casilay. Warqaddaasi waxaa siday Manjimah bin Zuneym, markaasuu Khaalid ku yiri:- Waa maxay? Waxuu yiri:- Arrin aniga iyo adiga dhexdeenna ah. Kadibna waxuu usheegay geerida Abuu Bakar Allaha ka raalli noqdee. Markaa buu Khaalid ku yiri isagoo ay dadkii maqlahayan:- Axsanta. Warqaddiina intuu qaaday buu ku ritay tuulkiisa.

Islaamiddii Jurjah

Jurjah sidaynu ogsoonnahay wuxuu kamid ahaa madaxdii ciidamada Ruumaanka ee Maalintaas, waxaanna soo xusnay inuu ahaa mid kamid ah amiiradii Ruumaanka ee kuwajahnaa amaraadii Muslimiinta ee afarta ahaa, kuwaasoo uu Abuu Bakar Siddiiq Allaha ka raalli noqdee uu usoo diray dhulka Shaam. Waxii dhacay markay dhaceen oo ciidamadii Muslimiintu ay isu tegeen, buu Hiriqal amray ciidamadiisii inay iyaguna isu tegaan. Markiina ay isu tegeen Jurjah ma uusan waynin imaaraddiisii, waayo waxuu ahaa mid kamid ah madaxdii ugu sarreeysay Ruumaanka, dhanka dagaalkuna tabbo iyo xeelad wanaagsan ayuu uyaqiinnay. Sidaa darteed buuna kamid ahaa dagaalkaan Yarmuuk madaxdii hoggaaminaysay Ruumaanka.

Intaa kadib (innagoo sii wadno dhacdadan Yarmuuk) buu Jurjah kasoo baxay ciidamadiisii oo uu soo dhex istaagay labada saf isagoo markaa dalbaday inuu Khaalid usoobaxo si uu bal wax u su’aalo. Markaa buu Khaalid u baxay, booskiisiina waxuu kudhaafay Abuu Cubaydah bin Al Jarraax. Waxay ku kulmeen isaga iyo Khaalid labada saf dhexdooda, iyadoo midba midka kale uu magan galyo siinayo oo uusan jirin mid midka kale far u dhaqaajinayo, fardahooduna ay markaa labaduba qooraha is dhaafsadeen oo ay wada hadal billaabeen. Markaa buu yiri Jurjah:- Khaalidoow! iisheeg runta, oo ha iisheegin wax beena, waayo qofka xurta ahi been masheego, hana iqayaamin, waayo qofka sharafta lihi wax ma qayaamo. Allaan kugu dhaarshaye, ma Alle baa Nebigiinu samada uga soo dejiyey seyf oo uu markaa adiga kusiiyey oo ciddaad kula dagaallantaba aad jebisaa?

Waxuu yiri:- Maya.

Waxuu yiri:- Oo haddaba sidee laguugu baxshay Seyfullaah (Seyftii Alle)?

Waxuu yiri:- Alle Sarreeye baa dhexdayada kasoo saaray Nebi, markaasaanu beeninnay, oo aanu ka cararnay, say barkayaga rumeeyeen oo raaceen, barkannaguna way la dagaallameen oo ay beeniyeen, waxaana kamid ahaa kuwii beeniyey oo la dagaallamay. Kadib Alle baa qabtay quluubtayada iyo foodannada oo inagu hanuuniyay, markaasaanu raacnay. Markaasuu yiri:- Adigu waxaad tahay seyf kamid ah seyfaha Allaah uu kusalliday Mushrikiinta, waxuuna iigu duceeyay guul. Sidaa la iigu baxshay Seyfullaah, aniguna waxaan ahay qofka Muslimiinta ugu ad adkaan badan xagga gaalada.

Waxuu yiri Jurjah:- Khaalidoow! Bal iiga warran waxa aad dadka ugu yeereysaan?

Waxuu yiri:- Waa qiridda inuusan jirin Allaah (xaq lagu caabbudo) oo aan ka ahayn Alle, Muxammedna (SCW) uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii, iyo in lagu raalli noqo waxii uu Alle xaggiisa kala yimid”.

Waxuu yiri:- Oo ka warran kaan idinka yeelin?

Waxuu yiri:- Waa inuu bixiyo jizyo, innaguna waan difaacaynaa.

Waxuu yiri:- Bal ka warran hadduusan bixinin?

Waxuu yiri:- Waxaanu ogeysiineynaa dagaal, kadibna waan la dagaallameynaa”.

Waxuu yiri:- Ka warran manzilada qofkii idiin soo galo, oo idinka yeelo arrinkan maanta?

Waxuu yiri:- Manziladayadu waa mid qura, xagga waxii uu Alle nagu farad yeelay keenna shariifka ah, keenna daciifka ah, keenna u horeeyay ( ee galo diinta Islaamka ) iyo keenna u dambeeyayba.

Waxuu yiri:- Ma leeyahay Khaalidoow! kii maanta soo galo ( diintan ) ajar iyo mushqaayad lamid ah ka aad idinku leedihiin?

Waxuu yiri:- Haah! weliba wuu naga fadli badanyahay.

Waxuu yiri:- Oo siduu idiinlamid yahay adinkoo uga horreeyay?

Waxuu yiri:- Arrinkan ( diinta ah ) waxaan galnay oo aan la baayacoonnay Nebigayaga SCW iyadoo uu noolyahay oo uu dhexdayada joogo, khabarna uu uga yimaado samada (yacni waxyi ), oo uu inooga warramayey kutubta, oo uu inatusinayey calaamadooyinka. Xaq bay ku ahayd qofkii arkay waxii aan aragnay oo maqlay waxaanu maqalnay inuu u hoggaansamo oo uu la mubaayacooda, adinkuna maydaan arag waxaan aragnay oo maydaan maqal waxaanu maqalnay oo cajaa’ib iyo xujooyin ah. Ruuxii soo galo arrinka kan ee diinta ah oo idinka mid ah, isagoo ay ka tahay dhab iyo niyad dhab iyo niyad”.

Waxuu yiri Jujrah:- Illaah baan ku dhaartaye waad ii runsheegtay. Kadibna wuu Islaamay oo waxuu u soo wareegay safkii Khaalid.

Intaa kadib Khaalid wuu kaxeeyay waxuuna geeyay teendhadiisii, oo uu ugeeyay biyo, oo kadib markuu meydhay oo uu weysaystay ayuu tujiyey laba rakcadood. Markaa bay Ruumaankii weerar kusoo qaadeen teendhadii uu ku jiray Jurjah, hase ahaatee qaar kamid ah halyeeyadii ciidamada Muslimiinta baa u jilba dhigeen weerarradaas, kuwaasoo ay kamid ahaayeen Cikrimah ibnu AbuuJahal iyo Diraar bin Al Azhar, sidaynu soo xusnay.

Kadib Jurjah iyo Khaalid baa waxay qaadeen weerarro is dabajoog ah oo ay kuqaadeen Ruumaanka, hase ahaatee waala asiibay Jurjah oo wuu shahiday isagoo Muslim ah, oo aan horey iyo gadaalba u tukan waxaanan ka ahayn labadii rakaco ee uu Khaalid tujiyey.

Kadib Ruumaankii way jabeen, waxaana iska dul dhacay kuwii silsiladaha ku xirnaa, markaasay Muslimiintii halkaa kulaayeen iyagoo ka dilay kudhawaad 120 000 marka laga reebo kuwii farasaarka hore lagaga dilay. Waxaa la dilay dil aad u daran oo dariic ah, heer ay dumarkii Muslimaadka ay ka qeyb qaateen layntooda oo ay wax badan ka dileen kuwii silsiladaha ku xirnaa. Dhanka Muslimiinta waxaa maalintaa laga dilay 3 000 oo ay kamid ahaayeen, Cikrimah bin AbuuJahal iyo wiilkiisa Camr bin Cikramah, iyo adeerkiis Xaarith bin Hishaam, Camr bin Saciid, Salamah bin Hishaam, Cayaash bin Abii Rabiicah, Nucaym bin Cabdillaahi Al Cadawi, Saciid bin Al Xaarith bin Qeys As-Sahmi, An- Nasseer bin Al Xaarith bin Calqamah, Abuu Ruum bin Cumeyr Al CabdiDaari, Abaan bin Saciid bin Al Caas. Hishaam bin Al Caas bin Waa’il, Camr bin Dhufeyl bin Camr Ad-Dowsi- oo riyadii aabahiis ee maalintii Yamaamah u rumowday, iyo qaar kaloo badan oo kamid ah rag karmeedyadii Muslimiinta. Abuu Sufyaan bin Xarbi isha ayaa laga asiibay oo uu leeb uga dhacay, waxaana ka soo saaray Abuu Xathmah.

Ciidamadaasi Muslimiinta ee xaadiray Yarmuuk waxaa kujiray 1000 saxaabadii Rasuulka SCW kamid ah iyo 100 kamid ah asxaabtii Bader.

Jabkii Ruumaanka qaar kamid ah ayaa waxuu gaaray boqorkoodii Hiriqal oo markaa kusugnaa Andakiyah ama Ximsa, markaasuu ku yiri:- Hooggiinee! iiga warrama bal qowmka aad la dagaallameysaan, ma waysan ahayn dad bashara oo sidiinoo kale ah? Waxay yiraahdeen:- Haah!.

Waxuu yiri:- Oo ma iyagaa idinka badnaa ama adinka ayaa ka badneydeen?

Waxay yiraahdeen:- Mayee, innagaa goob waliba labo jibbaar ka badneen.

Waxuu yiri:- Oo maxay haddaba idin helay oo ay idiin jibiyaan?

Markaa buu nin kamid ah culimadoodii oo oday ah yiri:- Waa sababta darteeda inay habeenkii oo idil taaganyahiin (salaad darteeda ), maalintiina ay soomanyahiin, oo ay oofiyaan ballanka oo ay amraan wanaagga, xumuhuna ay reebaan, dhexdooduna ay is wanaajiyaan. Halka aan innagu cabno khamriga, oo aan zinneysanno, xaaraantuna aan fuulno, ballantuna aan burinno, oo aan dulmi falno, oo aan is amarno cadho, oo aan iska reebno waxii Alle raalli gelinayo, dhulkuna aan fasaahidinno.

Waxuu yiri Hiriqal:- Adigu run baad iisheegtay.

Taasu waxay ku tusineysaa wanaaggii Muslimiinta inay xitaa gaalladii ka marag kaceen, heer ay qirteen inay iyagu yahiin kuwa qaldan oo lunsan.

Waa sidaase goor lagu jiro xafladdii guusha iyo riyaaqid iyo reyn rayn iyo mahadnaq guushii Yarmuuk laga helay darteeda buu Khaalid ku dul akhriyey ciidankii warqaddii katimid Madiina ee caddeyneysay geerida kutimid Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Allaha ka raalli noqdee. Majahii farxaddu baa mar qura isku badashay murugo iyo tiiraanyo huwisay ciidamadii Muslimiinta, hase ahaatee maysan ka gaabinin howlahoodii militari ee kujiraan. Allena waxuu u wakiishay kii ugu kheyr badnaa ummadda Nebi Muxammed SCW kadib Abuu Bakar.

Waxuu Khaalid u sheegay ciidamadii Muslimiinta in Khilaafadii uu qabtay Al Faaruuq, imaaraddii Shaamna masuul looga dhigay Abuu Cubaydah. Kadib buu Abuu Cubaydah go’aamiyey in la qeybiyo qaniimada kadib markuu ka saaray khumuskii. Markaa buuna khumuskii qaniimada iyo bishaaradii guusha u dhiibay Qubaath bin Ashiim si uu Madiina u geeyo, Yarmuuk-na waxuu ku sii dhaafay koox fardooley ah oo uu madax u yahay Bushayr bin Kacab.

Dhacdooyinkii Ka Dhacay Ciraaq Kadib Ka Imaanshihii Khaalid

Sababtu waxay ahayd in Furus ay boqoreen Shahrbaraaz bin Aradasheer bin Shahrayaar, kadib markay dileen boqorkoodii iyo wiilkiisii. Iyagoo ka faa’iideysanayo maqnaashaha Khaalid bay dhankii Muthanna u soo direen ciidan culus oo dhan 10 000 oo uu madax uyahay Hurmuz Jaadaweyhi. Markaasuu Shahrbaraaz warqad usoo diray Muthannaa isagoo ku leh:- Waxaan kuusoo diray ciidamo kuwii waxuushta reer Furus, wax kale maahane waa kuwii raaci jiray digaagga iyo doofaarrada, wax aan iyagu ahaynna kugulama dagaallamayo. Markaa buu Muthanna u qoray warqad kale jawaab ahaan isagoo oranayo:- Waxaad tahay labo nin midkood. Haddii aad qooqday adiga ayay shar kuu tahay, innaguna waa inoo kheyr. Ammaa haddii aad been sheegeyso, ugu weyn beenalayaasha xagga cuquubta iyo fadeexada Alle agtiisa waa boqorrada, Sida aynu u aragnana waxay tahay in la idiin dhibaateeyay xaggooda ( kuwa raaco digaaga iyo iyo doofaarrada, oo aad waydeen ciidamo kale ). Mahad waxaa iska leh Allahii dhagartiinnii u celiyey digaag raac iyo doofaarreey.

Markii ay warqaddaas u tegtay reer Furus oo ay akhriyeen bay sidaran uga naxeen oo ay ka xumaadeen sababta uu Shahrayaar markii hore u qoray warqadda hore, waxayna ku tilmaameen inuu yahay mid ra’yi waalan.

Intaa kadib ciidamadii Faarisiinta waa ay soo baxeen oo waxay soo abbaareen dhankii. Muthana iyo ciidamadiisiina waxay ka dhaqaaqeen Xiirah oo uu aaday dhanka Baabil. Labada dhinac ee ciidamadiisa waxuu ukala dhiibay walaaladii Al Macnaa iyo Mascuud. Waxay labada qolo ku kulmeen Cudwat-Suraah, halkaasoo ay ku dhex martay dirir aad u daran, Faarisiintuna dhowr jibbaar bay Muslimiintu ka badnaayeen. Waxay maalintaa Faarisiintu soo deeyeen maroodiyaal ay ku cabsi gelinayaan fardaha Muslimiinta oo u diiday inay si quman weerar u qaadaan fardooleyda Muslimiinta. Markaa buuna Muthanna laayey maroodiyaashii, asxaabtiisiina waxuu amray inay laayaan maroodiyaasha. Kadib dagaalkii baa darraaday, markaysay jabeen majuustu oo ay Muslimiintiina raacdeysteen oo ay laynayeen, waxayna dileen dil daran maal badanna way ka qaniimeysteen. Jabkii Faarisiinta ayaa waxay ka dul dhaceen caasimaddoodii Madaa’in goor ay shari ka dhex taagan tahay. Waxay tageen iyadoo boqorkoodii uu dhintay, oo ay boqreen gabadhii boqorkii hore ee Kisraa. Taasoo la oran jiray Bowraan bint Abruweyz, oo runtii ku oogtay caddaaladda, oo wanaajisay raadka taariikhdeeda, waxayna madax u ahayd muddo hal sano ah iyo 7 bilood, dabeetana way dhimatay. Markaasay boqreen walaasheed Aazarmiidakhat zinaan, dabeetana waxay kubadaleen Zaabuur bin Shaharyaar, waxayna ku lamaaneeyeen Farakhzaad bin Bandawaan. Markaa buu Saabuur u dhisay gabadhii boqorkii hore ee Kisraa Farakhzaad bin Bandawaan, taasoo ahayd Aazarmiidakhat zinaan bint Abruweyz. Markaasay Aazarmiidakhat diidday arrinkaas waxayna tiri:- Waa addoon kamid ah addoomayada. Markii la gaaray habeenkii arooskeeda bay Faarisiintii dileen Farakhzaad, kadibna waxay aadeen dhankii Saabuur oo isaguna ay dileen, waxayna boqreen Aazarmiidakhat mar kale.

Rasuulkeennu SCW waxuu yiri:- Ma liibaanayaan qowm haweeney madax ka yeeshay. Boqortooyadii Furusna waxay noqotay mid dheel dheel iyo lahwi ah, oo dandarrowday.

Kadib Muthanna waxuu u cid dirsaday Abuu Bakar Sidiiq isagoo ka dalbanayo gurmad, hase ahaatee wax war ah kamuusan helin. Markaasina waxay ahayd goor lagu jiray carcartankii dagaal weynahii Yarmuuk oo uu Abuu Bakar ku mashquulsanaa. Markii uu raagsaday Muthanna gurmadkii uu ka dalbaday Abuu Bakar, wax farriin ama jawaab ahna uu ka la’yahay buu naf ahaantiisii aaday magaaladii Madiina, Ciraaqna waxuu kusii dhaafay Bashiir bin Khasaasiyah, arrimaha dagaalkana wuxuu usii xilsaaray Saciid bin Murrah Al Cajali.

Markii uu Muthanna tegay Madiina, waxay ahayd goor uu Abuu Bakar la jiifay xanuunkii uu dunida uga faaruqay khilaafadiina uu kula ballamay Cumar bin Khaddaab. Markiina uu Abuu Bakar arkay Muthanna oo dul taagan buu Cumar ku yiri:- Marka aan geeriyooda yaanad galabeysan jeer aad dadka ku booriso la dagaallanka reer Furus oo aad Muthanna ciidan ku darto. Sidii buuna Cumar yeelay sida aynu ku arki doonno billawgii Khilaafadiisii hadduu Alle idmo.

Geeridii Abuu Bakar Allaha Ka Raalli Noqdee

Markii ay u buuxsantay da’da 63aad oo ah da’dii uu ku geeriyooday rafiiqiisii Nebi Muxammed SCW buu Rabbi oofsaday. Taasina Rasuulka SCW baa ugu sii bishaareyay mar uu yiri:- Waxaan arkay adigoo jannada iga dambeeyo labo jaranjaro iyo bar. Waxay kutusineysaa inay taasi tilmaamayso inta sano ee uu ka noolal dambeeyo Abuu Bakar Rasuulka Alle SCW, arrintanina waana mid kamid ah dalaa’ishii Nebiga SCW.

Muddadii aadka u yarayd ee uu xilka hayay Abuu Bakar Siddiiq waxuu awooddii Islaamka kusoo celiyey Xijaas oo idil oo markii hore ay wada riddoobeen marka laga reebo reer Makka, reer Madiina iyo reer Daa’if. Intaa kadib wuxuu nadiifiyey jasiiraddii oo idil, kadibna furtay qaar kamid ah dhulka Ciraaq, waxayna geeridii u timid isagoo ciidamadii Muslimiinta isugu geeyay dhulka Shaam si uu u boqno gooyo boqortooyadii Ruumaanka.

Sanadkan dhexdiisa buu xanuunsaday xanuunkaasoo ahaa midkii uu dunida uga faaruuqay, waxuuna khilaafadii uga tegay Cumar bin Khaddaab kadib markuu la tashtay saxaabo badan oo dhammaantood ay u ishaareen in uu Cumar kudhaafo khilaafada.

Dardaarankii khilaafada uu u dardaarmayay Cumar waxaa u qorayey Cuthmaan bin Cafaan isagoo xanuunsanayo ayuu u yeerinayay. Markiina uu marinayo yeerinta dardaaranka weedhan: Waxaan idiinkaga tegay…… buu miyir daboolmay, markaasuu Cuthmaan halkii kubuuxiyey…. ”Cumar”.

Mar kale buu Abuu Bakar Illaahay haka raalli noqdee dib u soo miyirsaday oo uu yiri:- Bal ii akhri waxa aad qortay. Markaasuu u akhriyey illaa uu ka gaaray weedha ah waxaan idiinkaga tegay…. Markaasuu Cuthmaan raaciyey magacii uu ku daray oo awalba uu Abuu Bakar hadal hayey ee ahaa ”Cumar”. Waxuu markaa Abuu Bakar u riyaaqay sida uu Cuthmaan sameeyay, waxuuna ku yiri:- Waxaa laga yaabaa inaad ka cabsatay inaan sidaa ku dhinto oo dadku ay is khilaafaan, Illaah baan kudhaartaye haddii aad adigu isku qori lahayd ahal baad u ahaan lahayd. Kadib dardaarankii buu sii waday illaa uu ka dhammeeyay. Markii uu dhintay buuna Cuthmaan dadkii ku dul akhriyey dardaarankaas oo ay dhammaantood kuwada raalli noqdeen, lana mubaayacoodeen khaliifada khaliifadii Rasuulka Alle SCW (Cumar).

Waxaa la sheegaa in Yahuud ay siisay cunno sumeysan oo ay cuneen isaga iyo Al Xaarith bin Kildah, dabeetana uu geeriyooday sanadkan gudahiisa. Waxaa kaloo la sheegaa inuu qubeystay ama maydhay maalin qaboow ah oo ay dhaxan darani jirtay, oo dabeeto ay xumadi qabatay sida rajaxsan, taasoo uu la xanuunsanaa muddo 15 casho ah oo uusan soo bixin. Waxuuna muddadaas amray Cumar inuu dadka tujiyo salaadda oo uu howlaha sii kala wado. Waxuu geeriyooday Maalin isniin ah oo ay siddeed casho ka dhimantahay bisha Jamaadul Aakhir ee sanadkan yacni 13aad ee Hijriga. Waxuuna u dardaarmay inay dhaqdo afadiisa Asmaa bint Cumays, waxaana caawinayey wiilkiisa C/Raxmaan bin Abii Bakar, maadama ay maalintaa Asmaa soonneyd oo qabow badanina uu jiray. Cumar bin Khaddaab ayaa tujiyey janaasadiisa isagoo takbiirsaday afar takbiir. Waxaana lagu ag aasay rafiiqiisii Nebi Muxammed SCW, goobta daartii Caa’ishah, Allaha ka raalli noqdee.

Abuu Bakar Siddiiq wuxuu Rasuulka SCW kasoo weriyey 141 xadiis, Illaahay haka raalli noqdee.

Intaasi ayaan kusoo gababayneynaa wixii uu Alle inaga waafajiyey inaanu ka qorno taariikhdii Abuu Bakar Siddiiq oo runtii buggaag iyo qalimaan badan dhameyneyso.

Illaahay ha u nuuriyo qabrigiisa hana u waasiciyo Abuu Bakar Siddiiq, saaxiibkii Rasuulka Alle SCW iyo labaeeyahiisii godka. Aameen aameen, aamiin.

Wabillaahil Mustacaan

Taariikhda Khulafada

Taariikhdii Khulafaa’u Raashidiin

Muxammed Daahir Cabdi

HORDHAC

Illaahay baa mahad leh, isagaanuna magacyadiisa ku weydiisaneynaa dembi dhaaf. Waxaanuna ka magan galeynaa shararka nafaheenna iyo xumidda howlahannaga. Kan uu Illaahay hanuuniya ma jirto cid baadiyeyn karto. Kan uu lumiyaana, wax hanuunin karaa majirto.

Waxaan qirayaa inuusan jirin mid xaq lagu caabbudo oo aanan Illaahay (kaliga ah) ka ahayn, kaasoo uuna jirin Illaah kale, asaga uun mooyaane, waxaana qirayaa inuu Muxammed SCW yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii naxariista Alle iyo nabadi dushiisa ha ahaato, asaga iyo ehelladiisii dahirsanaa, iyo asxaabtiisii akhyaarta ahayd, iyo intii wanaagga ku raacday taniyo dharaarta aakhiro.

Intaasi kadib

Illaahay kor ahaaye wuxuu yiri:- Ruuxii wax yaroo kheyr ah falaa wuu arki doonaa. Suuratu Zilzilah aayadda 7aad.

Haddaba waxaa jiri doonto maalin qofkii fala wax yaroo kheyr ah uu arki doono ajarka iyo thawaabta ay arrintaasi u yeelan doonto. Waxaana illaahay ka rajeynayaa inuu camalladeenna suubban inoo aqbalo oo miisaanka xasanaadka ah inoo saaro.

Intaa dabadeed, kitaabkan aan ugu magac daray ”Fatxul- Jamiil’, waa kitaab ka hadlaya taariikhdii Islaamka, kuna qoron afkeenna hooyo ee Soomaaliga. Wuxuu kitaabkani ka hadlayaa casrigii dahabiga ahaa ee quruxda badnaa, kaasoona ah casirgii afarta khaliif ee loo yaqaannay Khulufaaur Raashidiin. Sidoo kale wuxuu ka hadlayaa lixdii saxaabi kale ee iyagu kamidka ahayd tobankii Jannada loogu bishaareeyey, (Abuu Cubaydah bin Al Jarraax, Cabdiraxmaan bin Cowf, Dalxah bin Cubaydillaah, Zubayr bin Al Cawwaam, Saciid bin Zayd iyo Sacad bin Abii Waqaas), laakiin iyaga lixdani waan kareebay bandhiga casharkaan, si loo fahma furashooyinkii casrigii dahabiga.

Wuxuu kitaabkani qaadaa dhigayaa waqtigii dowladihii Islaamka ee soddonkii sano ee afarta khaliif, anigoo u sharxay qaab si fudud loo fahmi karo. Waxaan u kala dhigay inaan sanad sanad u xuso fatuuxaadkii iyo dhacdooyinkii waqtigaasi dhacay, anigoo marba qaadaa dhigaya dhacdooyinkii ama fatuuxaadkii goballada.

Afarta Khaliif sida ay isugu xigaan oo ay u kala horreeyaan ayaan isugu xijiyey xagga qoraalkana, dabeetana lixda kalee kamidka ahayd tobankii jannada loogu bishaareeyey ayaan daba dhigay, anigoo qisooyinkooda aanan kusii dheeraan. Waxaad arkeysaa inaan qisooyinka qaar soo koobay, balse waxaan kusoo koobay qaab la fahmi karo oo uu qofku sawiran karo qisada oo dhan. Waxaanan Illoobin inaan waxyaabaha qaar sharaxaad ka bixiyo intii karaankeyga noqotay, sida magaalo ama meel magacadeed, ama bulsho, waxaana isku dayay inaan waadixiyo dhan waliba intii karaankeyga ahayd. Waxaan isticmaalay xarfa qaar ah oo aanan laga heleynin alfaabeetka Af Soomaaliga, waxaana kamid ah:

  1. Xarafka (Z) oo aan u isticmaalay xarafka 11aad ee alfaabeetka Carabiga.
  2. Xarafka (th) oo aan u isticmaalay xarafka 4aad ee alfaabeetka Carabiga. Waxaad arki kartaa eraya aan soo gaabiyey sida, ”CS” oo aan soo qaatay marka aan Nebi xuso, waxaana usoo gaabiyey Caleyhis Salaam. Sidoo kale waxaad arki kartaa iyana xuruufta ah ”SCW”, oo aan soo qaatay mar waliba oo aan xuso Nebigeenna suubban SCW, waxaana usoo gaabiyey, ”Sallaa Allaahu Caleyhi Wassalam”.

In kastoo aan dadaalay haddana waxaan aaminsanahay inaan iin iyo khalad laga waayeyn kitaabkan, waayo ma ahan mid kaamil ah, waana wax bini Aadan xaggiisa kayimid oo uu bini Aadami qoray, sidaa darteed wuxuu yeelan karaa siyaado iyo nusqaan, ma khaldamane waa Allaah oo qura, kitaabkiisa ayunbaana kaamil ah, wixii kasoo harayna waa wax nusqaan iyo saa’idba leh. Waxaan rajeyn inuu khaldaadkiisu xadyeesho idinka Alle. Lahjadda aan kuqoray, waxaan Alle ka baryi inay noqoto miday qowmyadda Somalida oo idil ay fahmi karayaan. Wixii dhanka lahjadda ka yimaado oo khaldaad ah ama fahamdarri ah, waa aan ka cududaaran, waxaana rajeyn inaan talooyinkiina heli doono hadduu Alle idmo, si aan kutubbada dambe ee aan soo saari doono uga faa’iideysto, anigoo tixgelinaya talooyinkii iyo fikradihiina saliimka ahi.

Kitaabkani waxaan kasoo xigtay kutubbada waaweyn ee taariikhda Islaamka, sida Al Bidaayah wan Nihaayah, iyo Dabaqaat Al Kubraa iwm, haba ugu badnaata halka aan kasoo qaatay kitaabka Ibnu Kathiir ee Al Bidaayah wan Nihaayah’e. Waxaa dhici karta in qisooyin daciifa ay dhici karaan inaan xusay ulakac la’aan, laakiin inta badan waxaan isku dayay aqwaasha rajaxsan inaan soo minguuriya.

Ula-Jeeddo

Hadafka ama ula jeeddada ugu weyn ee aan kitaabkani u qoray, waxaa weeye iyadoo umaddeenna Soomaaliyeed ay 100 % tahay ummad Muslim ah, jecelna diintooda Islaamka iyo inay bartaan taariikhdooda qiimaha badan. Kadib markii aan arkay in la heli karo casriyadii dahabiga ahaa ee Islaamka taariikhdiisii oo af weliba kuqoran, marka laga reebo afka Soomaaligaa, baa waxaan jecleystay inaan qoro casrigii dahabiga ahaa oo ku qoran afka Soomaaliga, si ay umadda Soomaaliyeed u bartaan taariikhdooda suubban.

Waxaa kaloo iyana jirtay codsi iiga imanayay asxaabteyda iyo dad badan oo ahlu kheyr ah, taasoo ay ku dalbanayeen inaan uqoro kitaab af Soomaali ah, si ay u bartaan taariikhdooda. Taariikhdu waa daraasad u muhiim ah bulsho kasto, Quraankeennuna wuxuu ka hadlay taariikhda saddex meelood meel kamid ah. Wuxuu xusay Quraanka kariimka ahi dhacdooyin tegey iyo kuwa soo socdo oo intuba ah taariikh, halka uu dhacdo weliba u xuso sida ugu quruxda iyo qiimaha badan, uguna fududaan og in la fahmo. Haddaba cibro iyo waano qaadasho ayaa kujirta, mana ahan oo qura akhri ee ka teg, balse waxay u baahantahay faham iyo ku camal fal jidkii wanaagsanaa ee raggani akhyaarta ahi mareen ee aanu taariikhdooda soo minguurinayna, ula jeedkuna waxaa weeye inaanu gaarno darajadii ay gaareen iyo inaanu qaadno jidkii iyo dariiqii ay mareen, anagoo dadaaleyna intii karaankeenna ah.

Mahad Naq

Waxaan ugu horrey u mahadnaqayaa Allaah, mahad aanan lasoo koobi karin, anigoo ku dheehan tasbiixdiisa iyo taxmiddiisa. Waa asaga Allaah ka ii fududeeyey howsha camalkan ee aanan sahlaneyn. Waxaana runtii aaminsanahay kaalmadiisa la’aanteeda inaanay waxba ii haggaagi lahayn, oo howshanna halka ay maanta gaadhay aanay gaari lahayd. Mahad aanan lasoo koobi karin ayaan Rabbigayoow!! kugu mahadin.

Alloow!! igu kaalmey inaan nimcooyinkaaga ka mahadnaqo, iyo inaan kudhinta xuskaaga.

Marka xigta waxaan u mahadnaqayaa dhammaan asxaabteyda qiimaha badan ee igala qayb qaadatay soo ifbaxa kitaabkan, kuwaasoona aan runtii magacyadooda soo koobi karin. Kuwii iyagu dhiirigelinta iyo fikradaha saliimka ahi aan ka helayay, ma illoobaya inaan u mahad celiya, waxaana dhammaantood ku oran:- Illaahay ha idin xifdiyo hana idin barakeeyo, adinka iyo dhammaan umadda Soomaaliyeedba, meel iyo waa’ ay joogaanba. Aamiin, aamiin, aamiin.

AKHRI: Qaybta 1aad…. (Taariikdii Abuu Bakar Sidiiq) …. GUJI HALKAN

Qore: Muxammed Daahir Cabdi
Email: mohamed1@live.fi

Siduu Utukan Jiray Nebiga

naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee

تلخيص صفة صلاة النبي صلى الله عليه و سلم

Qore

Sheekhul-Islaam
Maxamed Naasirud-diin al-Albaani

-Eebbe ha u naxariistee-

Turjume

CabdiRisaaq Maxamed Cilmi
“ina Warfaa”

Qof kasta ayaa xaq u leh inuu daabacdo tarjamada kitaabkan oo ma dhowrsana.

Weli lama daabicin kitaabkan

La soo xiriirka turjumaha ee ku saabsan kitaabkan: Haddii aad xiiseyneysid kitaabkan oo aad dooneyid inaad ogaato sidii lagu heli lahaa, iyo haddii aad ku aragtid khaladaad xagga tarjamada ah, Eebbe kaliya ayaa dhamaystirane ha kaa abaalmariyo. Waxaad fadlan kala soo xiriiri kartaa cinwaanka turjumaha kitaabkan bariidka xaasuubkiisa “e-mailkiisa” oo ah: ”ina_warfaa@hotmail.com”.


Mahadnaq

Waxa aan ugu horrayntii u mahadnaqayaa Eebbe, oo igu galadaystay nimcooyin tira badan oo aanan koobi karin. Ka dibna waxaan u mahadnaqayaa dhammaan dadkii igu caawiyey talo, fikrad iyo dhiiragalin. Waxaana idin leeyahay dhammaantiin جزاكم الله خيرا .

Hordhaca Turjumaha

بسم الله الرحمن الرحيم

Magaca Eebbaha Naxariistaha guud Naxariistaha gaar.

Waxaa mahad iska leh Eebbe Barbaariyaha uumanka, naxariis iyo nabadgelyana korkiisa ha ahaato uunkiisa kii ugu wanaagsanaa Maxamed, reerkiisa iyo intii raacdey.

Intaa ka dib:

Kani waa kitaab ka hadlaya Salaadda sidii ka sugneyd Nabiga naxariista Eebbe iyo nabadgalyadiisa korkiisa ha ahaatee.
Ulajeedadayduna waxay tahay in aan ugu dhawaado Eebbe, anigoo u turjumayo soomaalida jecel iney bartaan diintooda.

Waxaana weydiisanayaa Eebbaha weyn inuu howshan ka dhigo mid isaga dartiis loo sameeyay, nooguna daro miisaanka wanaagyadeena maalin aysan xoolo iyo caruur waxba tarayn.

Taariikh nololeedka qoraha oo kooban iyo tixraac qoraal

Kitaabkan ka hadlaya “Sida loo tukado salaadda” waxaan ka turjumey kitaabka la yiraahdo: ”Siduu u tukan jirey Nebiga naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee oo kooban” [تلخيص صفة صلاة النبي صلى الله عليه و سلم] ee uu qoray Sheekhul-Islaam Maxamed Naasirud-diin al-Albaani -Eebbe ha u naxariistee.

Imaam al-Albaani wuxuu ka mid ahaa culimada ugu waaweyn ee muslimiinta ee waqtigan aan joogno.

Dhalashadiisii

Wuxuu dhashay sheekh Maxamed Naasirud-diin ina Xaaji Nuux al-Albaani sanadka Hijrigu markuu ahaa 1333 Hijriya oo ku beegnayd sanadka Miilaadiga markey aheyd 1914 M, wuxuuna ku dhashay Ashqoodara oo ahayd magaalo-madaxdii Albaaniya xiligaasi.
Reerka sheekhuna waxay ahaayeen qoys diinta ku dhaqma oo aabihiisna wuxuu ahaa sheekh dadka diinta bara.

Sheekh Albaani wuxuu la soo qaxay reerkiisii oo la soo degey Dimishiq Suuriya, ka dib markii Axmed Saago ”boqorkii Albaaniya” ee xiligaasi uu qaatey ilbaxnimadii reer galbeedka ee ku dhisnayd in laga fogaado diinta ”Calmaaniyadda”.

Sheekhu wuxuu ku dhameystay waxbarashadiisii dugsiga hoose dugsi ku yaaley Dimishiq.

Sheekh Albaani aabihiis wuxuu baray Qur’aanka kariimka, sida loo akhriyo Qur’aanka tajwiidka, afka Carabiga, xeerarka afka (naxwaha) iyo rogrogmadkiisa (sarfiga) iyo diinta (mad-habta Xanafiga). Sheekhu wuxuu kale oo uu ka bartay mad-habta Xanafiga iyo afka Carabiga barayaal kale.

Barashadiisii Xadiiska

Sheekh Albaani wuxuu bilaabay barashada xaddiiska markuu jirey labaatan sano. Kitaabkii ugu horeeyay ee uu ka barto cilmiga xaddiiska wuxuu ahaa [المغني عن حمل الأسفار في تخريج ما في الإحياء من الأخبار] ee uu qorey sheekh al-Ciraaqi – Eebbe ha u naxariistee.

Kutubtiisii ugu horeysey ee uu qoro waxaa ka mid ah: [تحذير الساجد من اتخاذ القبور مساجد].

Wuxuuna qoray kutubo kale oo fara badan, waxaana ka mid ah:

[arabic-font]التوحيد أولاًَ يا دعاة الإسلام؛  سلسلةُ الأحاديث الصحيحة وشيء من فقهها وفوائدها؛ سلسلةُ الأحاديث الضعيفة والموضوعة وأثرها السيئ في الأمة؛  تمام المنة في التعليق على فقه السنة؛  أحكام الجنائز وبدعها؛  آداب الزفاف في السنة المطهرة؛  تحريم آلات الطرب؛  الثمر المستطاب في فقه السنة والكتاب؛  التوسل أنواعه وأحكامه؛  الحديث حجة بنفسه في العقائد والأحكام؛  كيف يجب علينا أن نفسر القرآن الكريم؛  إرواء الغليل في تخريج أحاديث منار السبيل؛  رسالة قيام رمضان؛  خطبة الحاجة؛  مختصر كتاب جلباب المرأة المسلمة؛  الجامعة الأجوبة النافعة عن أسئلة لجنة مسجد؛  إصلاح المساجد من البدع والعوائد؛  حكم تارك الصلاة؛  المسيح الدجال ونزول عيسى؛  التعليقات الرضية على الروضة الندية؛  التعليقات الحسان على صحيح ابن حبان؛  وجوب الأخذ بحديث الآحاد في العقيدة والرد على شبه المخالفين؛  الذب الأحمد عن مسند الإمام أحمد؛  نصب المجانيق لنسف قصة الغرانيق؛  الكسوف صفة صلاة النبي صلى الله عليه وسلم لصلاة؛  النصيحة بالتحذير من تخريب ابن عبد المنان؛  لكتب الأئمة الرجيحة؛  أحكامُ الركاز؛  أسماءُ الكتب المنسوخة من المكتبة الظاهرية؛  الاعتكافُ؛  الأمثالُ النبوية؛  الآياتُ والأحاديث في ذم البدعة؛  البرهانُ في رد العدوان؛  بينَ يدي التلاوة؛  تخريجُ أحاديث البيوع وآثاره؛  تصحيحُ حديث إفطار الصائم قبل سفره بعد الفجر والردُّ على من ضعفه؛  التصفيةُ والتربية وحاجة المسلمين إليهما؛  خلاصةُ السيرة؛  الدعوة السلفية أهدافها وموقفها من المخالفين لها؛  (الردُّ على رسالة: (إباحة التحلي بالذهب المحلق؛  الردُّ على رسالة: التعقيب الحثيث لعبدالله الهَرَري الحَبَشي؛  الرد على كتاب ظاهرة الإرجاء لسفر الحوالي؛  الردُّ المفحم على من خالف العلماء وتشدد وتعصب وألزم المرأةَ أنْ تسترَ وجهها وكفيها وأوجب ولم يقنعْ بقولهم إنَّه سنة ومستحب؛  الأحاديث الضعيفة والموضوعة في أمهات الكتب الفقهية؛  أحاديث الإسراء والمعراج؛  الرد على السقاف فيما سوده على دفع شبع التشبيه؛  – رياض الصالحين للإمام النووي رحمه الله – تخريج؛  الزوائد على الموارد؛  – سؤال وجواب حول فقه الواقع – فتوى؛  صحيح الأدب المفرد للبخاري؛  صحيح الترغيب والترهيب للمنذري؛  صحيح الجامع الصغير وزيادته؛  صحيح سنن ابن ماجه؛  صحيح سنن أبي داود؛  صحيح سنن الترمذي؛  صحيح سنن النسائي؛  – صحيح كشف الأستار عن زوائد البزار – للهيثمي؛  صحيح موارد الظمآن؛  صفة صلاة النبي صلى الله عليه وسلم من التكبير إلى التسليم كأنك تراها؛  صفة الفتوى والمفتي والمستفتي للشيخ ابن حمدان الحنبلي تحقيق وتعليق وتخريج؛  صلاة العيدين في المصلى خارج البلد هي السنة؛  صوت العرب تسأل ومحمد ناصر الدين يجيب جريدة صوت العرب 1380هـ؛  ضعيف الأدب المفرد للبخاري؛  ضعيف الترغيب والترهيب للمنذري؛  ضعيف الجامع الصغير؛  ضعيف سنن ابن ماجه؛  ضعيف سنن أبي داود؛  ضعيف سنن الترمذي؛  ضعيف سنن النسائي؛  ضعيف كشف الأستار عن زوائد البزار ، للهيثمي؛  ضعيف موارد الظمآن؛  العقيدة الطحاوية شرح وتعليق وتخريج؛  العلم ، لابن أبي خيثمة – تحقيق وتخريج؛  غاية المرام في تخريج أحاديث الحلال والحرام للقرضاوي؛  – فتنةُ التكفير – فتوى؛  فتوى في حكم تتبع آثار الأنبياء والصالحين؛  فهرس المخطوطات الحديثية في مكتبة الأوقاف الحلبية؛  فهرس مخطوطات دار الكتب الظاهرية؛  الفهرس المنتخب من مكتبة خزانة ابن يوسف مراكش؛  قاموس البدع؛  كشف النقاب عما في كلمات أبي غدة من الأباطيل والافتراءات؛  مجموع الفتاوى؛  مذكرات الرحلة إلى مصر؛  المستدرك على المعجم المفهرس لألفاظ الحديث؛  معجم الحديث؛  مناسك الحج والعمرة في الكتاب والسنة وآثار السلف؛  منتخبات من فهرس المكتبة البريطانية؛  المنتخب من مخطوطات الحديث في المكتبة الظاهرية؛  منزلة السنة في الإسلام وبيان أنه لا يستغنى عنها بالقرآن؛  نقد كتاب التاج الجامع للأصول؛  النصيحة بالتحذير من تخريب ابن المنان لكتب الأئمة الرجيحة وتضعيفه لمئات الأحاديث الصحيحة؛  وجوب الأخذ بحديث الآحاد في العقيدة؛  وصف الرحلة الأولى للحجاز والرياض مرشداً للجيش السعودي أثناء عودته للمملكة بعد حرب فلسطين عام 1948؛  اقتضاء العلم العمل للخطيب البغدادي – تحقيق وتخريج[/arabic-font]

iyo kitaabkeenan:

[arabic-font]تلخيص صفة صلاة النبي صلى الله عليه و سلم[/arabic-font]

Ardaydiisii:

Waxaa ka mid ah ardaydiisii Suuriya Dimishiq: Sheekh Xamdi CabdilMajiid as-Salafi, Sheekh Cali Khashaan, Sheekh Maxamed Ciid Cabbaasi, Sheekh Maxamed Ibraahin Shaqra, Sheekh Nabiil al-Kayaal, Sheekh Maxamed Jamiil Ziinu

Waxaa ka mid ah ardaydiisii Urdun, Cammaan: Sheekh Cali ina Xassan al-Xalabi al-Athari, Sheekh Saliim al-Hilaali, Sheekh Mash-huur Xassan reer Salmaan, Sheekh Xuseen al-Cuwaysha, Sheekh Maxamed Muuse Nasri, Sheekh aw Yusri Axmed al-Khashaab, Iyo kuwo kale oo fara badan.

Ustaadnimadiisii:

Wuxuuna ustaad ka ahaa jaamacadda Islaamka ee Madiina al-Munawara muddo saddax sano ah 1381-83 H. oo ku beegnayd 1961-63 ee miilaadiga, isagoo ka dhigayey maadada cilmiga Xaddiiska.

Amaantii ay culimada amaaneen

Wuxuu yiri muftigii Sacuudiga ee hore al-Callaama Sheekh CabdiCasiis ina Baaz – Eebbe ha u naxariistee: “Ma jiro waqtigan aan joogno qof ka yaqaan Sheekh Albaani nolosha Nabiga iyo cilmiga xadiiska.” Waxaa la weydiiyay Sheekh ina-Baaz xadiiska Rasuulka Eebbe naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee: “Eebbe wuxuu usoo saaraa ummaddan boqolkii sannadba qof usoo nooleeya diintooda.” Haddaba waa kuma mujaddidka qarnigan aan joogno? Wuxuuna yiri sheekh ina-Baaz Eebbe ha u naxariistee: “Sheekh Maxamed Naasirud-diin al-Albaani ayaa ah mujaddidka casrigeena sidaan u maleynayo Eebbaana ugu og.”

Wuxuu sidoo kale yiri: “Ma garanayo waqtigeena qof nool oo ka cilmi badan Sheekh Albaani.”

[arabic-font]قال العلاّمة عبدالعزيز بن باز المفتي السابق للمملكة العربية السعودية رحمه الله؛ ما رأيتُ تحت أديم السماء عالماً بالحديث في العصر الحديث مثل العلاَّمة محمد ناصر الدين الألباني؛  وسُئل الشيخ ابن باز عن حديث رسول الله صلى الله عليه و سلم: إنَّ اللهَ يبعثُ لهذه الأمَّة على رأس كلّ مائة سنة مَن يُجدّد لها دينها؛  مَن هو مُجدّدُ هذا القرن؟ فقال رحمه الله؛  الشيخ محمد ناصر الدين الألباني هو مُجدّدُ هذا العصر في ظنّي والله أعلم؛  وقال أيضاً: لا أعلمُ تحت قُبَّة الفلك في هذا العصر أعلم من الشيخ[/arabic-font]

Wuxuuna yiri al-Callaama sheekh Muqbil al-Waadici -Eebbe ha u naxariistee-:

Run ahaantii waxaan kula talinayaa arday kasta oo barta diinta inuu heysto kutubta sheekh Albaani, Eebbaana og inaan soo gato kitaab kasta oo soo baxa oo uu leeyahay sheekh Albaani, si aan uga faaideysano kutubtiisa.

-قال العلامة الشيخ مقبل الوادعي -رحمه الله

و إني أنصح كل طالب علم بالحرص على اقتناء كتب الشيخ ، ويعلم الله أني ما أعلم بكتاب له يخرج إلا وبادرت إلى اقتنائه… .ويعلم اننا لا نزال نزداد علما بسبب كتب الشيخ

Wuxuuna yiri sheekh Rabiic al-Madkhali
-Eebbe ha dhowree- :

Aniga waxay ila tahay xagga akhriska kutubta sheekh Albaani inuu kaga dheereeyo ina Taymiya iyo ina Xajarba.

قال العلامة ربيع بن هادي المدخلي حفظه الله

أنا أرى في الإطِّلاع أنه ما لحقه لا ابن تيمية و لا ابن حجر .في الاطلاع على الكتب

Dardaarankii sheekh Albaani

Waxaan u dardaarmayaa in loo hadiyeeyo kutubteyda oo dhan maktabada jaamacadda Islaamka ee Madiina almunawara.

Dhimashadiisii

Sheekh Albaani wuxuu dhintey maalin sabti ah bishuna ahayd Jumaadil-aakhira laba iyo labaatankeedii sanadkii 1420 H oo ku beegnayd labadii bishii tobnaad sanadkii 1999 M, waxaana la aasay salaadda cishaha ka dib Eebbe ha u naxariistee.

Turjumaha
Helsinki jimce 8.7.1429 H. oo ku aaddan 11.7.2008 M.


Hordhaca Qoraha

Magaca Eebbaha Naxariistaha guud Naxariistaha gaar

Waxay mahadi u sugnaatay Eebbe oo aanu ku mahadinayno kaalmo weydiisaneyno dembidhaaf weydiisaneyno, waxaana Eebbe ka magangeleynaa xumaanta nafsadyaalkanaga iyo xumaanta acmaasheena, qofkuu Eebbe hanuuniyo ma baadiyoobo. Waxaana ka marqaati kacayaa inuusan Eebbe jirin Eebbaha keligiis mooyee mana jira qof wax la wadaaga, waxaana ka marqaati kacayaa inuu Maxamed yahay Addoonkiis iyo Rasuulkiisa naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee isaga iyo reerkiis iyo intii raacday,

Intaas ka dib, wuxuu ii soo jeediyay walaalkey Zuheyr ash-Shaawiish milkiilaha madbacadda
al-Maktab al-Islaami inaan soo koobo kitaabkeygan:

صفة صلاة النبي صلى الله عليه وسلم” من التكبير إلى التسليم كأنك تراها

si ay ugu sahlanaato dadweynaha.

Markaan ogaaday inay tahay talo wanaagsan oo aan anigu nafsad ahaanteyda ku fekerayey isla arinkaas muddo fog. Waxay arinkaasi igu dhiirigelisay inaan ku dhaqaaqo oo aan ka dhabeeyo taladii la ii soo jeediyay intii karaankeyga ah, inkasta oo uu waqtiga aad iigu yar yahay acmaashayda cilmiga oo fara badan darteed, waxaana weydiisanayaa Gargaaraha Kor ahaaye ee Hufnaa inuu ka dhigo mid loo sameeyay Wajigiisa sharafta badan darteed, uuna ka dhigo mid ay ka faaideystaan walaalaheyga Muslimiinta.

Waxaan ku sheegay kitaabkeygan faaidooyin dhowr ah oo aan ku sheegin kitaabkii aan ka soo koobay ee ahaa ” الصفة ” oo aan ka gadaal ku baraarugey, jeclaystayna inaan ku sheego kitaabkan aan soo koobay, sidoo kale waxaan xoogga saaray inaan sharxo qaar ka mid ah erayada ku soo arooray qaar ka mid ah weerooyinka xaddiisyada ama adkaarta.

Waxaana u sameeyay cinwaano lagu garto mowduuca aan ka hadlayo iyo kuwo kale oo fara badan oo aan sii caddeeyay. Waxaan u sameeyay tirooyin taxane ah masaa’ilka uu ka hadlayo kitaabka. Waxaana uga hadlay mas’alad kasta dhinaceeda hadday tahay wax loo baahan yahay ركن iyo waajibba, wixii laga aamusay in la caddeeyo xukunkiisa wuxuu ka mid yahay sunnooyinka, qaar ka mid ahse waxaa laga yaabaa inay noqdaan waajib, in laga qaato go’aankii ugu dambeeyay kan ama kaas wuxuu ka hor imanayaa cilmi-baarista.

الركن: Waa wax loo baahan yahay haddaan lala imaanna arinkaas way bureysaa salaaddii sida tusaale ahaan: rukuucda salaadda waa wax loo baahan yahay, haddii aan lala imaanna ay bureyso salaaddii.

الشرط: Shardi waa sida: الركن oo kale inkastoo uusan salaadda ka tirsaneyn shardigaas sida: weysada tusaale ahaan salaadda oo weyso la’aan la tukadaa ansixi meyso salaadda.

الواجب: Waajibka waa waxa sugan ee la isku faray Kitaabka ama Sunnada, daliilna uusan lahayn inuu yahay mid loo baahan yahay iyo inuu yahay shardi, qofkii sameeyana uu leeyahay ajar loona ciqaabayo qofkii ka taga cudur la’aan.

Waxaa la mid ah (الفرض): Fardiga iyo waajibka in la kala saaro waa eraybixin cusub oo aan daliil lahayn.

السنة: Sunnada waa falal ka mid ah cibaadooyinkii Nabiga n.n.k. uu mar walba samayn jirey ama sida badan, uusanna farin inay waajib tahay, qofkii la imaadana uu leeyahay ajar, qofkii ka tagana aan loo ciqaabeyn.

Xaddiiskase ay sheegaan qaar ka mid ah Muqalidiinta iyagoo u tiirinaya Nabiga n.n.k. ee oranaya:

” من ترك سنتي لم تنله شفاعتي “

Qofkii ka taga Sunnadayda ma helayo Shafaacadayda.

Kama sugnaanin Rasuulka n.n.k. hadduu arinka sidaas yahayna lama oggola in loo tiiriyo Nabiga n.n.k. adigoo ka cabsanaya inaad masabidato, oo maxaa yeelay Nabigaa n.n.k. wuxuu yiri:

” من قال عليَّ ما لم أقل فليتبوأ مقعده من النار” .
Qofkii yiraahda waxaan oran ha u sii diyaar garoobo inuu geli doono Naarta.

Waxaana hadalka intaas ku darayaa in la sii ogaado inaanan raacin Mad-hab gaar ah oo ka mid ah madaahibta afarta ah ee ay dadku haystaan markaan qorayey kitaabkan midkii aan ka soo koobay ee waxaan raacay mad-habka Ahlu-xaddiiska kuwaasoo ku dhaqmaan Xaddiis kasta oo ka sugnaaday Nabiga n.n.k., sidaas darteed mad-habka Ahlu-xaddiiska waa kan ugu wanaagsan madaahibta oo dhan, sida ay qireen arintaasi kuwa runlowyaasha ah ee ka tirsan mad-hab kasta, waxaana ka mid ah al-Callaama aw Xassanaat al-Laknawi ee Xanafiga ahaa kaasoo oranayey:

” وكيف لا وهم ورثة النبي صلى الله عليه وسلم حقاً. ونواب شرعه صدقاً، حشرنا الله في زمرتهم ، وأماتنا على حبهم وسيرتهم

Maxaysan u ahayn, Ahlu-xaddiisku waa kuwa sida dhabta ah u dhaxlay Nabiga n.n.k., Ahna kuwa matalaya Shareecadiisa dhab ahaan, Eebbana ha nala soo bixiyee, hana dilo anagoo jecel Ahlu-xaddiiska raacaynana jidkoodii.
ورحم الله الإمام أحمد بن حنبل إذ قال:
دين النبي محمد أخبار نعم المطية للفتى آثارُ لا تـرغبن عن الحديث وألـه فالرأي ليـل والـحديث نهـارُ ولربـما جهل الفتى أثر الهدى والشـمس بازغـةٌ لـها أنـوارُ

Eebbana ha u naxariisto Imaam Axmed ina Xanbal kaasoo yiri:

Diinta Nabi Maxamed waa wax la soo tebiyey “akhbaar” maxay macno ku fadhidaa dhalinyaraduna waxay u tahay warbixino “aathaar”. Ha ka jeesan Xaddiiska iyo dadkiisa. Ra’yigu waa habeen, Xaddiiskuna waa maalin. Waxaana laga yaabaa qofka dhalinyarada ah inuusan aqoon u lahayn meesha hanuunka yaallo iyadoo qorraxdii soo baxday si aad ahna u ifeyso.

Dimishiq 26.2.1392

Maxamed Naasirud-diin al-Albaani


Ujeedsashada Kacbada xaggeeda

1- Haddii aad tukaneysid salaad muslim yahow ujeeso Kacbada xaggeeda meeshii aad joogtidba hadday ahaan lahayd salaad waajib ah iyo sunno, waana tiir ka mid ah tiirarka salaadda taasoo aysan ansaxayn la’aanteed.

2- Lagama rabo inuu u jeesto Kacbada dadka dagaalamaya markay tukanayaan salaadda cabsida صلاة الخوف iyo markuu jiro dagaal daran.

. Qofkase aan awoodin waa sidii qof xanuunsan oo kale ama qof markab ama gaari ama diyaarad ku jira hadduu ka cabsado inuu waqtiga baxo.

. Waxaase wanaagsan qofka tukanaya sunno ama Witar isagoo saaran xoolo ama gaadiid hadduu awoodo inuu u jeesto Qiblada xaggeeda markuu xiranayo salaadda, dabadeedna uu qabto wadadiisii.

3- Waxaa ku waajib ah ku kasta oo arkaya Kacbada inuu u jeesto xaggeeda, qofkase aan arkaynin wuxuu u jeesanayaa dhinaceeda.

Qofkase u tukada meel aan Kacbada ahayn isagoo garaneynin:

4- Haddiise uu u tukado meel aan ahayn Qiblada, daruur ama wax kale oo jira darteed, markuu isku dayey ka dib intii karaankiisa ah meesha ay ku aaddan tahay Kacbada, salaaddiisu waa ay ansaxaysaa, mar kalena tukan maayo.

5- Haddiise uu u yimaado qof uu ku kalsoon yahay isagoo tukanayo oo uu u sheego dhinaceeda, waa inuu u jeesto dhinaceeda, salaaddiisuna waa ay ansaxaysaa.

Istaagga oo lagu tukado:

6- Waxaa waajib ah inuu qofka isagoo taagan tukado waana wax loo baahan yahay, qofkaan ka ahayn:

. Qofka tukanaya salaadda cabsida صلاة الخوف uuna jiro dagaal daran, waa loo oggol yahay inuu tukado isagoo wax saaran, qofka xanuunsan ee aan awoodin inuu istaago, markaasi wuxuu tukanayaa isagoo fadhiyo hadduu awoodo, haddiise uusan awoodin wuxuu u tukanayaa dhinac dhinac. Qofkase tukanaya salaad aan waajib ahayn wuxuu tukan karaa isagoo wax saaran ama fadhiya hadduu doono. Wuxuuna rukuucayaa oo uu sujuudayaa isagoo madaxa hoos u dhigaya, sidaas oo kale qofka xanuunsan, waana inay ahaataa sujuuddiisa mid ka hooseysa rukuucdiisa.

7- Loomana oggola qofka tukanaya isagoo fadhiya inuu dhigto wax kor uga soo qaadsan dhulka si uu korkiisa ugu sujuudo, ee wuxuu ka dhigayaa sujuuddiisa mid ka hooseysa rukuucdiisa sidaan horey ku soo sheegnay hadduusan awoodin inuu saaro madaxiisa dhulka.

Salaadda lagu tukado doonta iyo diyaaradda:

8- Wuuna ku tukan karaa salaadda waajibka ah doonta iyo sidoo kale diyaaradda.

9- Markuu ku tukanayo doonta iyo diyaaradda waa uu fadhiisan karaa hadduu u cabsado nafsaddiisa inuu dhaco.

10- Waana loo oggol yahay inuu ku tiirsado markuu kacayo tiir ama ul waayeelnimo darteed ama tabar la’aan.

Salaadda oo lagu tukado istaag iyo fadhi:

11- Waana loo oggol yahay inuu ku tukado salaadda habeenka istaag ama fadhi cudur-daar la’aan ama uu kulmiyo labadoodaba oo uu tukado akhriyana isagoo fadhiyo, oo uu kaco markuu rukuuci rabo wax yar ka hor akhriyana inta u harsan ee Aayado ah isagoo taagan, dabadeedna rukuuca oo sujuuda, ka dibna sameeya sidaas oo kale Rakcada labaad.

12- Hadduu ku tukanayo fadhi wuxuu u fadhiisanayaa lugihii oo isdhaafsiisan ama wuxuu u fadhiisanayaa siduu doono.

Qofka isagoo kabo wata tukanaya:

13- Waana loo oggol yahay inuu istaago isagoo kabo wadan sidoo kalena waa loo oggol yahay inuu tukado isagoo wata kabo.

14- Waxaase wanaagsan inuu u tukado marna sidaas marna sida kale, hadba sida u fududaato, isku kalifi maayo inuu gashto kabo si uu u tukado ama iska siibo, ee hadduu kabo wadan sidaas ayuu ku tukanayaa, haddiise kabo uu wato wuxuu ku tukanayaa kabihiisa iney duruufi si ku kalifto mooyee.

15- Haddiise uu iska siibo kabihiisa yuusan dhigin midigtiisa ee wuxuu dhigayaa bidixdiisa hadduusan ku tukaneynin bidixdiisa qofna, haddiise uu ku tukanayo wuxuu dhigayaa labadiisa lugooda dhexdooda , sidaasna waxaa faray oo uu ka sugnaaday Nabiga n.n.k..

Salaadda oo lagu tukado minbarka korkiisa:

16- Waa loo oggol yahay Imaamka inuu ku tukado meel dhulka ka sareysa si dadka uu u baro, meeshii ayuu ku dul istaagayaa isagoo xiranaya salaadda ka dibna intuu akhriyo ayuu ku dul rukuucayaa, dabadeed ayuu xagga dambe u soo degayaa si uu dhulka ugu sujuudo Minbarka hoostiisa, ka dibna halkii ayuu ku noqonayaa wuxuu samaynayaa rakcada kale siduu sameeyay rakcadii hore.

Waajibnimada salaadda in la dhigto daah loona dhawaado:

17- Waxaa waajib ah marka uu tukanayo inuu dhigto daah, waana isku mid markuu ku tukanayo masjidka iyo meel kaleba iyo inuu masjidka weyn yahay ama yar yahay sida guud ee Xaddiiska Nabigu n.n.k. tilmaamayo:

Markaad tukanaysid ha ahaado daah hortaada, yuusan hortaada marin qofna, hadduu ku adkaysto inuu marana, la dagaalan maxaa yeelay wehel buu wataa, ”yacni Shaydaan”

“لا تصل إلا ‘إلى سترة، ولا تدع أحداً يمر بين يديك ، فإن أبى فلتقاتله فإن معه القرين”.

18- Waxaana waajib ah inuu u dhawaado daaha, maxaa yeelay sidaas waxaa faray Nabiga n.n.k..

19- Waxaa u dhexeeyay meeshii uu Nabiga n.n.k. ku sujuudayey iyo darbigii uu xaggiisa u tukanayey waxay ahayd meel ku dhawaad ay mari karto uun ido. Sidaas darteed qofkii sidaas sameeya wuxuu la yimid dhawaanshihii waajibka ahaa.

Dhererka daaha uu ka sareynayo dhulka:

20- Waa inuu daaha dhulka ka sareeyaa ugu yaraan taako ama labo taako, maxaa yeelay Xaddiiska Nabiga ayaa oranaya:

Hadduu qof hortiisa dhigto sida qaybta dambe ee kooraha geela, ha tukado oo yuusan dan ka gelin wixii ka dambeeya.

” إذا وضع أحدكم بين يديه مثل مؤخرة الرحل فليصل، ولا يبالي من وراء ذلك”.

21- Wuxuuna ugu jeesanayaa daaha si toos ah, maxaa yeelay waxa muuqata in la is faray marka uu tukanayo inuu u jeesto daaha xaggiisa, haddiise daaha uu uga jeesto midig ama bidix oo uu markaasi si toos ah ugu aaddanayn ma aysan sugnaanin.

22- Waana la oggol yahay inuu u tukado xaggeeda ul dhulka ku dhaggan ama wax la mid ah, geed xaggiisa ama tiir iyo xaaskiisa xaggeeda taasoo ku jiifta sariirta oo ku hoos jirta busteheeda iyo xoolaha gaadiidka u ah xaggooda haba ahaadee geel.

Lama oggola salaadda in loo tukado xabaasha xaggeeda:

23- Lamana oggola salaadda in loo tukado xabaasha xaggeeda sideedaba hadday ahaan lahaayeen Nabiyaal ama kuwo kaleba.

Lama ogola in la hormaro qofka tukanaya hortiisa haba ahaatee Masjidka Xaramka:

24- Lamana oggola in la hor maro qofka tukanaya hortiisa kaasoo horyaala daah, taasna kuma kala duwana masjidka Xaramka iyo masaajidyada kale dhamaantood waa isku mid oo lama oggola Xaddiiska Nabiga n.n.k. macnihiisa guud darteed ee oranaya:

Hadduu garan lahaa qofka hor maraya qof tukanaya hortiisa ”dambiga” uu ku dhacayo dartiis wuxuu istaagi lahaa afartan oo uu sugi lahaa intuu hormari lahaa. Yacni uu hormaro qofka tukanaya iyo daahiisa dhexdooda.

” لو يعلم المار بين يدي المصلي ماذا عليه لكان أن يقف أربعين، خيراً له من أن يمر بين يديه”. يعني المرور بينه وبين موضع سجوده

Waajibnimada qofka tukanaya inuu u diido qofka hormaraya haba ahaatee Masjidka Xaramka:

25- Lamana oggola inuu u oggolaado qofka u tukanaya daaha xaggiisa inuu hormaro qof Xaddiiska aan soo dhaafnay dartiis:

” ولا تدع أحداً يمر بين يديك…” iyo Xaddiiskan Nabiga n.n.k. ee oranaya:

Qofka hadduu u tukanayo wax dadka ka daboolaya xaggiisa, uu qof doono inuu hormaro ha iska celiyo oo ha iska riixo oo ha iska celiyo intuu awoodo … (Xaddiis kale ayaa wuxuu oranayaa: Ha iska celiyo laba jeer), hadduu diidana ha la dagaalamo oo uun Shaydaan weeyee.

” إذا صلى أحدكم إلى شيء يستره من الناس، فأراد أحد أن يجتاز بين يديه فليدفع في نحره، وليدرأ ما استطاع، (وفي رواية: فليمنعه مرتين)، فإن أبى فليقاتله فإنما هو شيطان”.

In hore loo socdo si uusan qof u marin hortaada:

26- Waana loo oggol yahay inuu talaabo horay ugu qaado ama in ka badan si uusan u hormarin hortiisa naflayda aan caqliga lahayn sida xoolo ama caruur si markaasi u maro gadaashiis.

Waxa burinaya salaadda:

27- Muhimadda daaha uu leeyahay marka salaadda lagu jiro waxay ka reebeysaa qofka u tukanaya daaha xaggiisa inuu qof hormaro oo aysan salaaddiisa halkaasi ku burin, oo halka qofka daah samaysan ay salaaddiisa ku bureyso, hadday soo hormarto qof dumar ah iyo sidoo kale dameer iyo eey madow.

Niyada:

28- Waxaa laga maarmaan ah qofka tukanaya inuu qalbiga ka niyeysto salaadda uu tukanayo sida salaadda duhurka ama casirka ee waajibka ah ama tusaale ahaan sunnooyinkooda, waana shardi ama waa tiir. Haddiise uu qofku afka kaga dhawaaqo salaadda uu tukanayo taasi waa Bidco oo kuma soo aroorin Sunnada, mana oran sidaas mid ka mid ah imaamyada ay raacaan kuwa Muqalidiinta ah.

Takbiirta:

29- Ka dibna wuxuu ku bilaabanayaa salaaddiisa isagoo leh: ” الله أكبر” waana tiir sida uu dhigayo Xaddiiska Nabiga n.n.k. ee oranaya:

Furaha salaadda waa daahirnimada, waxaana salaadda lagu xirtaa Takbiirta: “Allaahu akbar”, waxaana salaadda looga baxaa adigoo salaama naqsada.

“مفتاح الصلاة الطهور، وتحريمها التكبير، وتحليلها التسليم”.

30- Korna uguma qaadayo codkiisa Takbiirta salaad kasta inuu Imaam yahay mooyee.

31- Waana la oggol yahay inuu Muaddinka gaarsiiyo dadka Takbiirta imaamka haddii sidaas loo baahdo sida inuu imaamka xanuunsanayo, codkiisa uu hooseeyo ama ay badan yihiin dadka gadaashiis ku tukanaya.

32- Ma oranaya qofka la tujinaya Takbiirta marka uu imaamka yiraahdo ka dib mooyee.

Kor u qaadidda gacmaha iyo sida loo qaadayo:

33- Wuxuuna kor u qaadayaa gacmihiisa markuu Takbiiranayo ama ka hor ama ka dib intaba waxay ku soo arooreen Sunnada.

34- Waxaana kor loo qaadayaa gacmaha iyagoo farahooda fidsan yihiin.

35- Wuxuuna u dhaweynayaa gacmihiisa “baabacadiisa” isagoo la simaya garabkiisa, mararka qaarkoodna gacmihiisa intaas wuu ka sii sareysiinayaa isagoo la simaya dhinacyada dhegihiisa.

Gacmo saaridda iyo sida loo saarayo:

36- Dabadeedna wuxuu gacantiisa midig saarayaa gacantiisa bidix korkeeda markuu Takbiirto ka dib, waxayna ka mid tahay sunnooyinka Nabiyaalka n.n.k., wuxuuna Rasuulka Eebbe faray sidaas Asxaabtiisa ee lama oggola inuu qofka gacmihiisa laalaadiyo

37- Wuxuu gacantiisa midig saarayaa gacantiisa bidix korkeeda, curcurkiisa iyo dhudhunkiisa.

38- Marna gacantiisa midig wuxuu ku qabanayaa gacantiisa bidix .

Meesha gacmaha la saarayo:

39- Gacmihiisa wuxuu saarayaa xabadkiisa oo kaliya, arinkaasna way ka siman yihiin ragga iyo dumarka.

40- Lamana oggola inuu saaro gacantiisa midig sabarkiisa ”dhexda qofka”.

In la khushuuco oo la eego goobta lagu tukanayo:

41- Marka uu tukanayo waa inuu khushuucsanaadaa, waana inuu iska ilaaliyaa waxa u diidaya inuu feejignaado hadday ahaan lahaayeen naqshado ama wax sharsharaxan, yuusanna tukan iyadoo hortaalo cunto uu jecel yahay ama uu isku celinayo kaadi iyo xaar.

42- Wuxuuna eegayaa marka uu taagan yahay goobta uu ku sujuudayo.

43- Mana u jeesanayo midigta iyo bidixdaba maxaa yeelay u jeesashada waa dafid uu xadayo Shaydaanka addoonka salaaddiisa.

44- Lamana oggola inuu eego cirka.

Ducada lagu furanayo salaadda:

45- Dabadeed wuxuu ku bilaabanayaa akhrinta qaar ka mid ah ducooyinka ka sugnaaday Nabiga n.n.k. wayna fara badan yihiin waxaana ugu caansan:

” سبحانك اللهم وبحمدك، وتبارك اسمك، وتعالى جدك، ولا إله غيرك”.

Waxaana sugnaatay inuu Nabiga n.n.k. sidaas faray, waana in la sameeyaa.

Akhrinta:

45- Dabadeed waxaa waajib ah qofka tukanaya inuu Eebbe ka magangalo Shaydaanka waana dembi hadduu ka tago.

46- Waxaana Sunna ah inuu yiraahdo mar:

” أعوذ بالله من الشيطان الرجيم، من همزه ونفخه، ونفثه”

48- Marna wuxuu leeyahay:

” أعوذ بالله السميع العليم، من الشيطان…” الخ.

49- Dabadeedna wuxuu si hoos ah u leeyahay salaadda kor loo akhriyo iyo midda hoos loo akhriyaba:

” بسم الله الرحمن الرحيم “.

Akhrinta Faatixada:

50- Ka dibna wuxuu akhrinayaa suuradda Faatixada siday u dhan tahay, Bismillaahina iyaday ka tirsan tahay, waana tiir salaadna ma ansaxayso Faatixada la’aanteed, waana ku waajib dadka aan ku hadlin afka carabiga ”Cajamta” inay kor ka bartaan.

51- Qofkase aan awoodin waxaa ku filan inuu yiraahdo:

” سبحان الله، والحمد لله، ولا إله إلا الله، الله أكبر ولا حول ولا قوة إلا بالله “.

52- Waxaana Sunna ah marka uu akhrinayo Faatixada inuu Aayad Aayad u akhriyo, uu ku dul istaago Aayad kasta bilowgeeda, oo uu yiraahdo:

(بسم الله الرحمن الرحيم)

dabadeed istaago, haddana yiraahdo:

(الحمد لله رب العالمين )

dabadeed istaago, haddana yiraahdo:

(الرحمن الرحيم)

dabadeed istaago, haddana yiraahdo:

(مالك يوم الدين)

dabadeed istaago, sidaas ayuuna ku wadayaa ilaa dhamaadkeeda.

Sidaas ayeyna ahayd akhrinta Nabiga n.n.k. dhamaanteed, wuxuu ku istaagi jirey Aayadaha bilowgooda, kumana qaban jirin midda ka dambeysa, haba la xiriirto macno ahaan.

53- Waana loo akhrin karaa labadoodaba:
(مالكِ) iyo (مَلِكِ).

Akhrinta qofka ku daba tukanaya:

54- Waana in qofka la tujinayo uu imaamka gadaashiis uu akhriyaa salaadda hoos loo akhriyo.

Iyo sidoo kale salaadda kor loo akhriyo hadduusan maqlaynin akhrinta imaamka amase uu yara aamuso imaamka markuu akhriyey ka dib aamusid uu akhrin karo, inkasta oo aynu qabno aamusiddaasi ineysan ku sugnaanin Sunnada.

Akhrinta Faatixada ka dib:

55- Waxaa Sunna ah in la akhriyo Faatixada ka dib Suurad kale xattaa salaadda Janaazada ama qaar ka mid ah Aayado labada rakco ee hore.

56- Waana la dheereynayaa akhrinta Faatixada ka dib mararka qaarkood, marmarna waxaa loo gaabinayaa safar dartiis ama qufac ama xanuun ama oohinta ilmaha.

57- Akhrintana waxay ku xiran tahay salaadda oo salaadda subax akhrinteeda waa midda ugu dheer salaadaha shanta ah, dabadeedna sidan ayey iskugu xigaan duhurka, casirka, cishaha iyo maqribka sida badan.

58- Akhrinta salaadda habeenka ayaa ugu dheer intoodaba.

59- Waxaana Sunna ah akhrinta inay rakcada koowaad ka dheer tahay midda labaad.

60- Waana iney akhrinta labada rakco ee u dambeeya ahaadaan kuwo ka gaaban labada hore ku dhawaad bar.

Akhrinta Faatixada rakcad kasta:

61- Waana in la akhriyaa Faatixada rakcad kasta.

62- Waxaana Sunno ah Faatixada ka dib in la akhriyo akhrin kale labada rakco ee u dambeeya sidoo kale mararka qaarkood.

63- Lamana oggola inuu imaamka akhrinta ka dheereeyo intii ku soo aroortay Sunnada, maxaa yeelay waa intaasoo uu dhibsadaa qof ku daba tukanaya oo waayeel ah ama xanuunsan ama qof dumar ah oo ilmo nuujisa ama qof dan leh.

Kor u qaadidda iyo hoos u dhigidda akhrinta:

64- Wuxuu kor u qaadayaa akhrinta salaadda subax, Jimcada, labada Ciid, Roob-doonka, Qorrax-madoobaadka iyo labada rakco ee Maqribka iyo cishaha.

Wuxuuna hoos u akhrinayaa salaadda Duhur iyo casir iyo rakcada saddaxaad ee maqribka iyo labada rakcad ee ugu dambeeya cishaha.

65- Wuuna maqashiin karaa imaamka salaadda hoos loo akhriyo Aayad mararka qaarkood.

66- Witarkase iyo salaadda habeenka marna hoos ayuu u akhrinayaa marna kor ayuu u akhrinayaa, waana inuu dhexdhexaad ka dhigaa kor u qaadidda codka.

Inuu qurxiyo akhrinta oo uusan degdeg ku akhrin:

67- Waxaa Sunna ah in Qur’aanka lagu akhriyo si degdeg ahayn, lana degdegeynin, hase ahaatee akhrin loo fahmayo xaraf xaraf, waana in lagu akhriyaa cod quruxsan, isaga oo ugu akhrinayo cod waafaqsan xeerarka Tajwiidka, lamana doonayo in loo akhriyo si aan waafaqsanayn axkaamtaas.

In la saxo imaamka:

68- Waana loo oggol yahay qofka la tujinaya inuu saxo imaamka hadduu akhrinta isku qaso.

Rukuucda:

69- Marka uu dhameeyo akhrinta wuxuu aamusayaa xoogaa, inta ay ka noqoneyso neefsashadiisa caadi.

70- Dabadeedna wuxuu kor ugu qaadayaa gacmihiisa sidaan kor ku soo sheegnay markii uu salaadda xiranayey ee uu lahaa Takbiirta.

71- Waxaana waajib ah inuu Takbiirto yiraahdo ”Allaahu akbar”.

72- Dabadeedna wuu rukuucayaa inta ay ka xasilayaan isgoysyadiisa, xubin kastana ay ahaaneyso meesheeda, sidaasna waa tiir.

Sida loo rukuuco:

73- Gacmihiisna wuxuu u dul saarayaa jilbihiisa si adag, wuxuuna kala feydayaa farihiisa sidii inuu qabanayo jilbihiisa, sidaas oo dhanna waa waajib.

74- Wuxuuna dheereynayaa dhabarkiisa uuna simayaa, sida xattaa haddii dhabarkiisa lagu kor shubo biyo ay ku xasili lahaayeen, sidaasna waa waajib.

75- Madaxiisa hoos uma dhigayo korna uma qaadayo hase ahaatee wuxuu ka dhigayaa mid la siman dhabarkiisa.

76- Wuxuuna ka fogeynayaa labadiisa xusul dhinacyadiisa.

77- Wuxuuna leeyahay markuu rukuucsan yahay:

” سبحان ربي العظيم “

saddax mar ama in ka badan.

In laga dhigo tiirarka isku dherer.

78- Waxaana Sunna ah in laga dhigo tiirarka xagga dhererka isku mid oo ay noqdaan rukuucdiisa, sujuuddiisa iyo fadhigiisa u dhexeeya labada sujuud mid isku dherer ah.

79- Lama oggola in lagu akhriyo Qur’aanka rukuucda iyo sujuudda.

In la istoosiyo rukuucda ka dib:

80- Dabadeed waa inuu kor u kacaa oo uu toosiyaa dhabarkiisa rukuucda ka dib, sidaasna waa tiir.

81- Waxaana waajib ah inuu yiraahdo marka uu kor u qaadayo dhabarkiisa:

سمع الله لمن حمده

82- Wuxuuna kor u qaadayaa gacmihiisa markuu kor u kacayo sidaan horay ugu soo gudubnay.

83- Dabadeedna waa inuu u istaagaa si toos ah oo ay degganaansho ku jirto, inta laf kasta ay kaga noqoneyso meesheedii, sidaasna waa tiir.

84- Wuxuuna oranayaa istaaggaas:

” ربنا ولك الحمد “

waana waajib saaran qof kasta oo tukanaya haba ahaadee qof la tujinaya, maxaa yeelay sidaas waxaa lagu sheegay istaagga, tii ka horeysayse waxaa lagu sheegay marka la kacayo.

85- Waana inuu istaagnaadaa intuu rukuucsanaa oo kale sida horey lagu soo sheegay.

86- Dabadeed waxaa waajib ah inuu yiraahdo:

” الله أكبر”.

87- Wuxuuna kor u qaadayaa gacmihiisa mararka qaarkood.

Sujuudda:

Waa in gacmaha la hor dhigaa intaan la sujuudin:

88- Dabadeed markuu sujuudayo ayuu gacmaha dhulka dhigayaa ka hor jilbihiisa, sidaas ayuuna faray Rasuulka Eebbe n.n.k. wayna ka sugan tahay inuu sidaas sameeyay, wuxuuna dadka ka reebay inay dhigtaan jilibka sida geela u dhigto jilibka, geeluna wuxuu dhigtaa jilbaha
-kuwaasoo ah lugihiisa hortooda- marka hore.

89- Hadduu sujuudo -waana tiir- wuxuu dhulka dhigayaa gacmihiisa wuuna fidinayaa.

90- Waxaana la isku dhejinayaa faraha.

91- Waxaana gacmaha loo jeedinayaa Qiblada.

92- Wuxuuna gacmihiisa la simayaa garbihiisa.

93- Mararka qaarkoodna wuxuu la simayaa dhegihiisa.

94- Waxaana waajib ah inuu dhulka kor uga qaado xusulkiisa, uusanna ku fidin dhulka siduu eeyga u fidiyo oo kale.

95- Waana inuu si adag dhulka u dhigaa sankiisa iyo foolkiisa, sidaasna waa tiir.

96- Sidoo kale waa inuu si adag dhulka u dhigaa jilbihiisa.

97- Sidoo kalena faraha cagahiisa.

98- Cagihiisa waa inuu dhulka u dhigaa si taagan oo toos ah, sidaas oo dhanna waa waajib.

99- Wuxuuna u jeedinayaa faraha cagtiisa Qiblada xaggeeda.

100- Wuxuuna isku dhejinayaa cirbihiisa.

In lagu xasilo sujuudda:

101- Waxaa waajib ah inuu ku xasilo sujuuddiisa, sidaasna waxay ku noqoneysaa inuu xubnaha taabanaya dhulka qofka markuu tukanayo u dhigo si isla siman. Kuwaasna waa: foolka iyo sanka oo wada socda, labada gacan, labada jilib iyo faraha cagta.

102- Qofkii sidaas ugu xasilo sujuuddiisa, run ahaantii markaasi wuxuu helay degganaanshihii loo baahnaa, in lagu xasilo sujuudda waa tiir sidoo kale.

103- Wuxuuna oranayaa markuu sujuudsan yahay:

” سبحان ربي الأعلى “

saddax mar ama in ka badan.

104- Waxaana wanaagsan intuu sujuudsan
yahay inuu badiyo ducada, maxaa yeelay waxaa loo badiyaa in laga aqbalo.

105- Wuxuuna sujuudayaa intuu rukuucsanaa oo kale sida horey lagu soo sheegay.

106- Waana loo oggol yahay inuu ku sujuudo dhulka, ama uu dul saaran yahay dhar, katiifad, derin ama wax la mid ah.

107- Mana la oggola in la akhriyo Qur’aanka adigoo sujuudsan.

Inta la simo lugta bidix oo lagu fadhiisto: الافتراش
iyo in la fadhiisto cirbaha oo kor loo qaaday: الإقعاء
ee u dhexeysa labada sujuud:

108- Dabadeed wuxuu kor u qaadayaa madaxiisa isagoo oranaya ” الله أكبر ” sidaas ayaana waajib ah.

109- Wuxuuna kor u qaadayaa gacmihiisa mararka qaarkood.

110- Ka dibna wuxuu fadhiisanayaa isagoo xasillan inta laf kasta ay kaga noqoneyso meesheedii, sidaasna waa tiir.

111- Waana inuu cagtiisa bidix simaa hoosteedana ku dul fadhiistaa, taasna waa waajib.

112- Waana inuu cagtiisa midig dhulka ku toosiyaa.

113- Waxaana loo jeedinayaa faraha Qiblada.

114- Waa loo oggol yahay inuu ku fadhiisto cirbaha mararka qaarkood, waana inuu ku fadhiisto cirbihiisa labada cagna ay taagan yihiin.

115- Wuxuuna oranayaa isagoo fadhiya:

” اللهم اغفر لي، وارحمني، واجبرني، وارفعني، وعافني، وارزقني “.

116- Hadduu doonana wuxuu leeyahay:

” رب اغفر لي، رب اغفر لي “.

117- Wuxuu fadhiisanayaa intuu sujuudsanaa oo kale.

Sujuudda labaad:

118- Dabadeed waxaa waajib ah inuu yiraahdo

” الله أكبر ”

119- Wuxuuna kor u qaadayaa gacmihiisa isagoo oranaya ” الله أكبر ” mararka qaarkood.

120- Wuxuuna sujuudayaa sujuudda labaad, waana tiir sidoo kale.

121- Wuxuuna sameynayaa siduu sameeyay markii hore oo kale.

Fadhiga nasashada:

122- Marka uu madaxiisa kor uga soo qaado sujuudda labaad, oo uu doono inuu u kaco rakcada labaad waxaa waajib ah inuu yiraahdo ” الله أكبر ”.

123- Wuxuu kor u qaadayaa gacmihiisa mararka qaarkood.

124- Wuxuuna fadhiisanayaa ”wax yar” isagoo toosan, oo ku fadhiya cagtiisa bidix, inta laf kasta ay ku noqoneyso meesheedii.

Rakcada labaad:

125- Dabadeedna wuxuu kacayaa isagoo ku tiirsanaya gacmihiisa dhulka iyaga oo uu isku qabtay, sida uu iskugu qabto gacmaha kan wax cajiima, wuxuuna u kacayaa rakcada labaad, iyadana waa tiir.

126- Wuxuuna samaynayaa siduu sameeyay markii hore oo kale.

127- Inkastoo uusan akhrineynin ducada salaadda lagu furto.

128- Waana inay ahaataa rakcada labaad mid ka gaaban rakcada hore.

In loo fadhiisto at-Taxiyaadka:

129- Marka uu dhameeyo Rakcada labaad, waxaa waajib ah inuu u fadhiisto at-Taxiyaadka.

130- Wuxuuna ku dul fadhiisanayaa intuu simo lugta bidix, sidii aan ku soo marnay labada sujuud dhexdooda.

131- Hase ahaatee lama oggola in lagu dul fadhiisto labada cirib fadhigan.

132- Wuxuuna gacantiisa midig saarayaa bowdadiisa iyo jilibkiisa midig, xusulkiisa midig dhamaadkiisana wuxuu saarayaa bowdadiisa, kamana fogeynayo.

133- Wuxuuna gacantiisa bidix ku dul fidinayaa bowdadiisa iyo jilibkiisa bidix.

134- Lamana oggola inuu fadhiisto isagoo ku tiirsan gacantiisa, gaar ahaan bidixda.

Far-dhaqdhaqaajinta iyo iyadoo la eegayo farta:

135- Wuxuuna isku qabanayaa faraha gacantiisa midig dhamaan. Suulkana uu saarayo fartiisa dhexe mar.

136- Marna uu goobo ka dhigayo suulka iyo farta dhexe oo is wata.

137- Wuxuuna ku tilmaamayaa farta (Murugsatada) xagga Qiblada.

138- Wuxuuna eegayaa fartaas iyada ah.

139- Wuxuuna dhaqdhaqaajinayaa fartaas isagoo duceysanaya at-Taxiyaadka bilowgiisa ilaa dhamaadkiisa.

140- Mana ku tilmaamayo fartiisa gacanta bidix.

141- Wuxuuna sidaas oo dhanna sameynayaa
at-Taxiyaadka kasta.

Qaabka at-Taxiyaadka iyo ducada ka dib:

142- At-taxiyaadkana waa waajib oo haddii uu hilmaamo wuxuu sujuudayaa labada sujuud ee hilmaamka.

143- Wuxuuna u akhrinayaa si hoos ah.

144- At-Taxiyaadka qaabka loo akhrinayana waa:

” التحيات لله، والصلوات، والطيبات، السلام على النبي ورحمة الله وبركاته، السلام علينا وعلى عباد الله الصالحين، أشهد أن لا إله إلا الله، وأشهد أن محمد عبده ورسوله “

145- At-Taxiyaadka ka dibna wuxuu ku salinayaa Nabiga naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee oo wuxuu leeyahay:

” اللهم صل على محمد، وعلى آل محمد، كما صليت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، إنك حميد مجيد.
اللهم بارك على محمد، وعلى آل محمد، كما باركت على إبراهيم، وعلى آل إبراهيم، إنك حميد مجيد “.

146- Haddaad doontana waxaad ku soo gaabsaneysaa adigoo leh:
” اللهم صل على محمد، وعلى آل محمد، وبارك على محمد، وعلى آل محمد، كما صليت وباركت على إبراهيم، وعلى آل إبراهيم، إنك حميد مجيد”

147- Dabadeedna wuxuu ku duceysanayaa ducooyinka ku soo arooray at-Taxiyaadka mid kuu jeclaysto, iyada ayuuna Eebbe kaga duceysanayaa.

Rakcada saddaxaad iyo afaraad:

148- Dabadeed waxaa waajib ah inuu yiraahdo Takbiirta, waxaana Sunna ah inuu yiraahdo Takbiirta isagoo fadhiya.

149- Wuxuuna kor u qaadayaa gacmihiisa mararka qaarkood.

150- Dabadeed wuxuu u kacayaa rakcada saddaxaad, waana tiir sida midda ka dambeysa oo kale.

151- Sidaas oo kale ayuuna samaynayaa hadduu doono inuu u kaco rakcada afaraad.

152- Hase ahaatee ka hor intuusan kicin, waa inuu u fadhiistaa si toos ah, isagoo ku fadhiya cagtiisa bidix, inta laf kasta ku noqoneyso meesheedii.

153- Dabadeed wuxuu kacayaa isagoo ku tiirsan gacantiisa siduu sameeyay markuu u kacayey rakcadii labaad.

154- Dabadeed wuxuu akhrinayaa rakcada saddaxaad iyo afaraad kol kasta Faatixada waana waajib.

155- Wuxuuna ku darayaa Aayad ama ka badan mararka qaarkood.

Qunuutka arin darteed iyo marka lala imaanayo:

156- Waxaa Sunna ah inuu Qunuudo oo uu u duceeyo Muslimiinta Dhibaato ku dhacday darteed.

157- Wuxuuna u duceynayaa markuu rukuuco ka dib oo uu yiraahdo:

. ” ربنا ولك الحمد “

158- Mana jirto duco u gaar ah oo uu ugu duceynayo ee wuxuu ugu duceynayaa hadba ducadii ku habboon dhibaatadaas.

159- Markuu duceynayana wuxuu kor u qaadayaa gacmihiisa.

160- Ducadana kor ayuu u qaadayaa hadduu yahay imaam.

161- Dadka ku daba tukanayana waxay oranayaan Aamiin.

162- Markuu ducada dhameeyana wuxuu leeyahay takbiirta dabadeedna sujuudayaa.

Qunuutka Witarka iyo marka lala imaanayo iyo qaabkiisa:

163- Qunuutka Witarka ahse waa la oggol yahay mararka qaarkood.

164- Waxaana la Qunuudayaa rukuucda ka hor, waana uu ka duwan yahay Qunuutka haddii dhibaato dhacdo lala yimaado.

165- Wuxuuna ku duceysanayaa ducadan:

” اللهم اهدني فيمن هديت، وعافني فيمن عافيت، وتولني فيمن توليت، وبارك لي فيما أعطيت، وقني شر ما قضيت، فإنك تقضي ولا يقضى عليك، وإنه لا يذل من واليت، ولا يعز من عاديت، تباركت ربنا وتعاليت، ولا منجا منك إلا إليك “.

166- Ducadaas ayuuna Nabiga n.n.k. dadka baray, sidaas darteed intaas lagama kordhin karo, in lagu saliyo Nabiga n.n.k. mooyee, saligase waa la oggol yahay maaddaama uu ka sugnaaday Asxaabtiisa Eebbe ha ka raalli ahaadee.

167- Dabadeed wuu rukuucayaa oo sujuudayaa labo sujuud sida horay lagu soo sheegay.

At-Taxiyaadka dambe iyo ku fadhiisadka misigta bidix adigoo ku fadhiya dhulka:

التشهد الأخير والتورك

168- Dabadeedna wuu fadhiisanayaa si uu u akhriyo at-Taxiyaadka dambe labada at-Taxiyaadna waa waajib.

169- Wuxuuna samaynayaa sidii uu sameeyay
at-Taxiyaadkii hore oo kale.

170- Inkasta oo uu ku fadhiisanayo misigta bidix isagoo ku fadhiya dhulka, labadiisa cagoodna ay yihiin dhinaciisa midig, cagtiisa bidixna wuxuu hoos dhigayaa kubkiisa midig.

171- Cagtiisa midigna waa inuu ku toosiyaa dhulka korkiisa.

172- Waana loo oggol yahay inuu simo mararka qaarkood.

173- Waana inuu xoog ugu tiirsado jilibkiisa bidix iyadoo uu ku dul hayo gacantiisa bidix.

Waajibnimada in lagu saliyo Nabiga naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee iyo in laga nabadgalo afar:

174- Waxaana waajib ah at-Taxiyaadkan inuu qofka ku saliyo Nabiga n.n.k., waxaana ku soo sheegnay qaar ka mid ah qaababka loogu saliyo at-Taxiyaadkii hore.

175- Waana inuu Eebbe ka magangalaa afar isagoo oranaya:

” اللهم إني أعوذ بك من عذاب جهنم، ومن عذاب القبر، ومن فتنة المحيا والممات، ومن شر فتنة المسيح الدجال “.

Ducada ka hor intaan la salaama naqsan:

176- Ka dibna wuxuu ku duceysanayaa wuxuu doono oo ku sugnaaday Kitaabka iyo Sunnada, waana ducooyin badan, hadduusan waxba ka garaneyn ducooyinkaasi, wuxuu ku duceysanayaa duco anfacaysa diintiisa iyo adduunyadiisa.

Salaama naqsiga iyo jaadadkeeda:

177- Dabadeed waxaa tiir ah intuu midig u jeesto inuu salaama naqsado ilaa laga arkayo dhabankiisa cad ee midig.

178- Wuxuuna u jeesanayaa bidix ilaa laga arkayo dhabankiisa cad ee bidix, haba ahaatee salaadda Janaazada.

179- Imaamka wuxuu salaama naqsanayaa isagoo codka kor u qaadayo, waxaan ka ahayn salaadda Janaazada.

180- Waxaana loo salaama naqsadaa jaadadkan kala duwan:

Koowaad: Wuxuu leeyahay markuu u jeesto dhinaca midig:

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته ,

markuu u jeestana dhinaca bidix:

السلام عليكم ورحمة الله

Labaad: Wuxuuna leeyahay isla sidii oo kale iyadoo aysan la socon: ” وبركاته “

Saddaxaad: Wuxuu leeyahay markuu u jeesto dhinaciisa midig:

السلام عليكم ورحمة الله ,

markuu u jeestana dhinaciisa bidix:

. السلام عليكم

Afaraad: Wuxuu salaama naqsanayaa hal salaama naqsi xaggiisa hore isagoo u jeesanaya midigtiisa wax yar.

_____________

Walaalkey muslimka ahow! intaas waa intii aan awooday inaan idinkugu soo koobo kitaabkeygan:

”Siduu u tukan jirey Nabiga naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee oo kooban:

تلخيص صفة صلاة النبي صلى الله عليه و سلم

Aniga oo isku dayayey inaad fahamto sida loo tukado ee sugan. haddaad u tukato sidaan kuu tilmaamay ee uu u tukan jirey Nebiga naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee, markaasi waxaan Eebbe Kor ahaaye kaaga rajeynayaa inuu kaa aqbalo, maxaa yeelay haddaad sidaas sameyso waxaad ka dhabeysay dhab ahaantii hadalkii Nebiga n.n.k.:

” صلوا كما رأيتموني أصلي ”

”U tukada sidaad igu aragtaan inaan u tukado”

Intaas ka dibna waxaa lagaaga baahan yahay inaadan hilmaamin inaad ku dadaasho inuu qalbigaaga joogo oo aad khushuucsanaanto marka aad tukanaysid, maxaa yeelay waa hadafka ugu weyn ee ku jira is hortaagga addoonka Eebbaha Kor ahaaye hortiisa, iyo inta aad ka dhabayso khushuucii aan kuu tilmaamay iyo inaad u tukato siduu u tukan jirey Nabiga n.n.k. ayaad u heleysaa miraha la rajeynayo ee uu noo sheegay Barbaariyaheena Kor ahaaye isagoo leh:

Run ahaantii salaaddu waxay reebtaa xumaanta iyo dembiga.

” إن الصلاة تنهى عن الفحشاء والمنكر”.

Ugu dambeyntii waxaan weydiisanayaa Eebbe Kor ahaaye inuu naga aqbalo salaaddeena iyo acmaasheena kaleba, uuna ajarkeeda noo keydiyo maalinta aan la kulmeyno …

(Maalinta aysan xoolo iyo caruur waxba tarayn –qof Eebbe kula kulmaya mooyee isagoo ka maran qalbigiisa inuu wax la wadaajiyo caabudidiisa).

( يوم لا ينفع مال ولا بنون إلا من أتى الله بقلب سليم).

Waxaana mahad iska leh Eebbe Barbaariyaha uumanka.

الحمد لله الذي بنعمته تتم الصالحات
Waxaa mahad iska leh Eebbe kaa soo galaddiisu ku dhammaadaan wanaagyaalku

Qeexid Kooban oo Kusaabsan Islaamka

تعريف موجز بالإسلام

Allaah baa mahad iska leh allahaasoo ah barbaariyaha uunka oo dhan (kawnka), naxariis iyo nabad galyana rususha imaamkoodii korkiisa ha ahaato oo ah nabigeenii Maxamed iyo eheladiisii iyo asxaabtiisa dhammaantoodba, intaas kadib:
Islaamku waa in la qiro inuusan jirin ku xaq lagu caabudo oo aan Allaah ahayn, maxamedna uu yahay rasuul Alle soo diray, qiridaasna qalbiga lagu gunto carabkana lagaga dhawaaqo xubnahana laga sameeyo waxa ay keenayso qiridaasu, wuxuuna iimaanku kulansadaa in la rumeeyo lixdii tiir ee iimaanka lana sameeyo shantii tiir ee islaamka, qofkuna uu aad isaga hagaajiyo arrimahaas. Islaamku waa kii lagu ebyay (khatimay) risaalooyinka alle kaasoo alle ku soo dejiyay kii lagu ebyay (khatimay) ambiyada iyo rususha oo ah maxamed cabdullaahi (nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ahaatee). Islaamku waa diinka xaqa ah oo uusan alle ka aqbalaynin ruuxna diin kale, sida xaqiiqda ah allaah wuxuu ka yeelay islaamka diin fudud oo sahlan, culeys iyo dhibaatana aan lahayn, kumana waajib yeelin dadka haysta islaamka waxaysan awoodin, kumana uusan kalifin waxayna karaynin, waana diin asaaskiisu uu yahay alle in lakali yeelo, runtuna ay tahay tilmaantiis, cadaaladuna ay tahay meesha uu ku wareegayo, xaqana uu yahay midka uu ku taagan yahay, naxariistana ay tahay dhuuxiisa, waana diinka wayn oo ku hagaajiya adoomada amar kastoo anfacaya diintooda iyo adduunkoodaba, ugana digaya wax kasta oo dhibaya diintooda iyo noloshooda, waana diinkii uu alle ku hagaajiyay caqiidooyinka iyo akhlaaqdaba, kuna hagaajiyay nolosha aduunka iyo aakharaba, isuguna soo dumay quluubtii kala tagsanayda iyo hawooyinkii kala duwanaa, uuna kaga saaray mugdiyadii baadilka, kuna tusay xaqa, kuna hanuuniyay jidka toosan, waana diinka toosan oo la sugay sugitaankii ugu sareeyay, dhanka wararkiisa oo idil iyo axkaamtiisa dhamaateed, islaamku muusan sheegin run iyo xaq mooyaane, kumana uusan xukumin khayr iyo cadaalad mooyaane, taasoo ka ahaatay caqiidooyinka saxda ah iyo acmaasha toosan iyo akhlaaqda wanaaga badan iyo dhaqamada sareeya, hadafka risaalada islaamka waa inuu xaqiijiyo waxa soo socda:-
? Inuu u qeexo dadka rabigooda iyo abuurahooda uguna qeexo magacyadiisa wanaagsan ee uu la kaliga yahay iyo tilmaamihiisa sareeya ee aanay jirin wax kula mid ah iyo ficiladiisa xikmada leh ee aan lala wadaagin iyo mudnaanshada uu cibaadada mudan yahay oo aan wax kula mid ah jirin.
? Iyo inuu ugu yeero adoomada inay caabudaan alle kaligii iyagoon waxba la wadaajinaynin una hogaansamaan wuxuu alle u jideeyay oo amarro iyo ka reebis ah kaasoo wanaaagooda iyo liibaantooda ku jiro aduunkooda iyo aakhiradoodaba.
? Iyo inuu xasuusiyo xaaladooda iyo meeshay ku dambayn doonaan geeridooda dabadeed iyo waxay kula kulmi doonaan qabriyadooda, iyo marka la soo saarayo, oo la xisaabinaaya iyo meesha ay ku dambayn oo ama jano ah ama naar ah, hadba acmaasho siday tahay, haddii ay khayr tahay khayrbaa lagu abaal marin haddii ay shar tahayna shar.
Waxaana suurtagal ah inaan ku soo koobno islaamka qaacidooyinkiisa ugu muhiimsan dhibcahaan soo socda:-
MIDA KOOBAAD :- WAA TIIRARKA RUMAYNTA.
TIIRKA KOOWAAD:- waa alle oo la rumeeyo wuxuuna kulansanayaa arrimaha soo socda:-
? rumaynta la rumeeyo rabinimada Alle kor ahaayee ooy macnaheedu tahay inaad rumayso Alle inuu yahay barbaariyaha, abuuraha, boqorka, iyo ka dabara arimaha uunkiisa oo idil isla mar ahaataana ku tasarufa.
? rumayn la rumeeyo Allanimada alle kor ahaayee ooy macnaheedu tahay inaan rumayno Alle inuu yahay ka la caabudo ee xaqa ah wax kasta oo la caabudo oon isaga ahayna uu yahay baadil.
? rumeynta la rumeeyo magacyadiisa iyo tilmaamihiisa ooy macnaheedu tahay inaan rumayno alle inuu leeyahay magacyo aad u wanaagsan iyo tilmaamo buuxa oo sareeya sida ku soo aroortay kitaabkiisa iyo sunada rusuulkiisa nabadgalyo iyo naxriis korkiisa ha ahaatee.
TIIRKA LABAAD: waa malaa’igta oo la rumeeyo, malaa’igtuna waa adoomo la karaameeyay oo uu alle abuuray kor ahaayee, waxayna u istaageen caabuuditaankiisa una hogaansameen adeecitaankiisa, wuxuuna alle ku kalifay shaqooyin kala duwan, malaa’igtana waxaa ka mid ah:
Jibriil: oo uu alle u xil saaray waxyiga isagoo kasoo dajinaya alle agtiisa kuna dajinaya ruuxuu alle doono oo ka mid ah nabiyadiisa iyo rusuuladiisa, waxaa kaloo ka mid ah malaa’igta:
Miikaa’iil: oo uu alle u xil saaray Roobka iyo dhirta, waxaa kaloo ka mid ah:
Israafiil: oo uu alle u xil saaray afuufida buunka wakhtiga suuxida iyo soo saarida, waxaa kaloo ka mid ah:
Malakumawd: oo loo xil saaray ruuxda qabashadeeda wakhtiga geerida.
TIIRKA SADEXAAD: waa kutubta oo la rumeeyo. Alle waynaayo wuxuu ku soo dajiyay rusushiisa kutub ay dhexdeeda ahaatay hanuun, kheyr iyo wanaag, kutubtaasna waxaan ka naqaanaa:-
Tawraad: oo uu alle kor ahaayee ku soo dajiyay Muuse naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, waana tii ugu waynayd kutubta reer banii israa’iil.
Injiil: oo uu alle kor ahaayee ku soo dajiyay Ciise nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.
Subuur oo uu alle kor ahaaye u siiyay Daa’uud nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.
Suxuftii Ibraahiim nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.
Qur’aanka wayn ee uu alle kor ahaayee ku soo dejiyay Nabigiisa Maxamed nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee ahna nabiyadiisa kii lagu ebyay (khatimay), wuxuuna alle ku tirtiray quraanka kutubtii horeysay oo idil, wuxuuna kafaala qaaday ilaalintiisa, maxaa yeelay xujo ayuu ku ahaanayaa khalqiga dhamaantii ilaa maalinta qiyaamaha.
TIIRKA AFARAAD: waa rususha oo la rumeeyo. Alle kor ahaayee wuxuu u soo diray khalqigiisa ergo (rusul) waxaana ugu horeeyay Nuux nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, waxaana oogu dambeeyay maxamed rususha dhamaantoodna naxariis korkooda ha ahaatee, waa bashar la abuuray ,waxyaabaha rabinimada u gaarka ahna waxba uguma sugnaanin, waana adoomo ka mid ah adoomada Alle oo uu alle kor ahaayee ku karaameeyay risaalada, wuxuu alle ku dhamaystirya risaalooyinka risaalada nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, wuxuuna u diray dadka oo idil nabina kama dambeeyo.
Tiirka Shanaad: waa maalinta dambaysa oo la rumeeyo waana maalinta qiyaamada ee uusan maali ka dambaynin wakhtigaaspp uu alle ka soo saarayo dadka xabaalahooda iyagoo noolm si ay ugu nagaadaan daarta raaxada (janada) dhexdeeda ama daarta cadaabka kulul (naarta) dhexdeeda. Rumaynta maalinka dambeeyana wuxuu yahay: in la rumeeyo wax kastoo ahaanaya geerida dabadeed ooy ka mid yihiin fidna qabrigam raaxadiisa, cadaabkiisa iyo waxa ahaanaya intaa dabadeed sida soo saarida, nooleynta, xisaabka iyo intaas ooy gadaasheed ahaan jano iyo naar.
TIIRKA LIXAAD: waa qadarka oo la rumeeyo. Qadarka waxaa weeye in la rumeeyo alle inuu qadaray waxyaabaha ahaaday, uuna ahaysiiyay waxyaabaha uu abuuray aqoontiisu siday ku hormartay si la mida, xikmadiisuna ay keentay umuurta dhamaanteed. Alle kor ahaayee wuu ogyahay agtiisa ayayna ku qoran tahay allana dhab ahaan buu u doonay wuuna abuuray.
MIDA LABAAD: WAA TIIRARKA ISLAAMKA.
Islaamku wuxuu ku dhisan yahay shan tiir, ruuxna ma ahgaanayo muslin xaq ah ilaa uu ka rumeeyo shantaa tiir oo u guto waxayna kala yihiin:-
TIIRKA KOOWAAD: Waa Shahaadada oo ah qirid la qiro inuusan jirin wax xaq lagu caabudo Allaah mooyee Maxamedna uu yahay rasuulkii Alle, shahaadadaasna waa furaha islaamka iyo asaaskiisa lagu kor dhiso.
Macnaha Shahaadaduna waa:- wax xaq lagu caabudo ma jrio Alaah kaligii mooyee, waana Alaha xaqa ah, Alla kasta oon isaga ahayna waa baadil, macnaha Allana waa ka la caabudo.
Macnaha qiritaanka maxamaed inuu rasuulkii alle yahayna waa:- rumayn la rumeeyo wuxuu ka waramay iyo adeecid la adeeco wuxuu amray (faray) iyo fogaansho laga fogaado wuxuu reebay, iyo inaan alle lagu caabudin wuxuu sharciyeeyay waxaan ka ahayn.
TIIRKA LABAAD:- Waa Salaada waana shan salaadood oo shan waqti ah maalintii iyo habeenkii, Alle ayaana sharciyeeyay si ay u ahaato guditaan lagudo xaq alle ee uu ku leeyahay adoomihiisa, iyo mahadnaq loogu mahadnaqo nicmooyinkiisa, iyo xidhiidh u dhexeeya qofka muslimka iyo rabigiisa oo uu kula faqo dhexdeeda kuna baryo, iyo si ay u ahaato mid ka reebta qofka muslimka waxyaalaha xun xun., waxayna sabab u tahay khayr diineed iyo iimaanka oo hagaaga, iyo abaalmarinta alle teeda soo degdegta iyo kuu dib u dhigay, wuxuuna ka helayaa adoonku salaadaa xaga raaxada nafta iyo jidhkaba, wax faraxa galiya aduun iyo aakharaba.
TIIRKA SADDEXAAD:- Waa Zakada waana sadaqo uu bixinayo ninkay ku waajibto sanad kasta, kuna bixinayo dadka mutaystay ee dadka baahin ah iyo dadka kale eey y banaan tahay sakada in la siiyo. Sakada kuma waajinto nin baahan oo aan haysanin xoolo sako gaadha, ee waxay ku waajibtaa dadka hodonka ah si loogu dhamaystiro diintooda iyo islaamkooda iyo si loogu kordhiyo xaaladahooda iyo dabeecadahooda iyo si loogaga celiyo dhibaatooyinka iyaga iyo xoolahoodaba iyo si loogaga nadiifiyo xumaantooda iyo si loogu xidhiidhiyo kuwooda baahan iyo kuwooda aan waxba haysanin iyo si loogu istaago danahooda oo dhan, sakaduna intaa la jirankeed waa wax aad u yar marka loo eego wuxuu alle siiyay ee xoolo iyo risiq ah.
TIIRKA AFARAAD: Waa Soonka waana bisha ramadaan ee barakaysan oo la soomo, ahna bisha sagaalaad ee bilaha dayaxa, waxaana ku kulmaya bishaas muslimiinta oo idil, waxayna ka tagayaan shahwadooda asalka ah oo ah cunto, cabid iyo galmo, maalinkii laga bilaabo dilaaca waaga ilaa qoraxdu ka dhacdo, wuxuuna oogu badalayaa alle arinkaa (wanaagiisa iyo fadligiisa dartii) iimaankooda iyo diintooda oo uu dhamaystiro iyo xumaatooyinkooda oo uu dhaafo iyo darajadooda oo uu kor yeelo iyo waxyaabaha kale ee laga helo soonka oo khayr wayn ah adduunka iyo aakharaba.
TIIRKA SHANAAD: Waa Xajka waa in kacbada Alle la aado si loo guto cibaado gaar ah wakhti gaar ah, wuxuuna alle ku waajib yeelay ruuxii awooda mar qudha cimrigiisa.
Xajka dhexdiisa waxay ku kulmaan muslimiinta (meel kasta ay ka yimaadaanba), dhulka meeshii ugu khayr badnayd, iyagoo caabudaya rabi kali ah, xidhana dhar isu eg, farqina u dhaxaynin nin wax xukuma iyo mid la xukumo, mid hodana iyo mid caydha, mid cad iyo mid madow, markaasay gudanayaan camal xadidan (kooban) oo uu ugu wayn yahay istaag carafo iyo wareeg lagu wareego la sharfay ee ah qiblada muslimiinta iyo orod la ordo buurta safa iyo marwa dhexdooda, xajka dhexdiisana waxaa ah manfacooyinka badan ee diinta iyo aduunkaba, waxaan la tirin karin lana soo koobin karin.
MIDA SADEXAAD: Ixsaanka.
Ixsaanku waa in aad Alle ku caabudo iimaanka iyo islaamka sida adigoo arkaya, haddii aadan arkaynina Alle asaga ayaa ku arkaya, macnaheeduna yahay in aad dareensanaanto arrinkaas uguna dhaqanto si sunnada rasuulka Alle maxamed “nadabgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee” waafaqsan adoon khilaafaynin.
Diinta islaamkana waxaa ku gudajira waxa aan soo sheegnay oo dhan.
Waxaana la og yahay inuu islaamka habeeyay nolosha dadka raacsan kali-kali iyo koox-kooxba oo uuna ku habeeyay si ay ku gaaraayaan liiban adduunyo iyo mid aakhira, markaasuu u baneeyay guurka kuna booriyay kana xarimay sinada (dhilaynimada) iyo daba isaga taga iyo wixii xun oo idil, xuxuuna waajin ka dhigay xidhiidhka riximka iyo in loo naxariisto dadka baahan iyo masaakiinta oo la ilaaliyo, sidoo kale wuxuu waajib ka dhigay kuna boooriyay dabeecad kasta oo wanaagsan, wuxuuna xaaraam yeelay kana digay dabeecad kasta oo xun, wuxuuna u baneeyay kasabka wanaagsan ee tijaaro dhexdii ah ama kiro iyo wixii la mid ah, wuxuuna xaaraam yeelay ribada iyo tijaaro kasta oon banaanayn iyo wax kastooy ku jirto khayaano ama kado.
Sidoo kale islaamku wuxuu fiiriyay kala duwanaanta dadka xaga ku toosnaanta dariiqa iyo ilaalinta xaquuqda dadka kale, markaasuu wuxuu shaciyeeyay cuquubooyinka reebaya xadgudubyaalka badankood ee la xiriira xuquuqda rabi sida ribada (Islaamka oo laga baxo), sinada, cabida khamriga iyo wixii la mid ah, sidoo kale wuxuu sharciyeeyay cuquubooyin reebaya dhamaan xadgudubyada xuquuqda dadka, sida dilka, tuugada, qadafka iyo xadgudub loogu gaysto qofka dhib ama garaacidm waana cuquubooyin u dhigma dambigaas, iyadoon lagana badinaynin lagana yaraynaynin sidoo kale wuxuu hagaajiyay xidhiidhka u dhaxeeya dadwaynaha iyo madaxdoodaba, wuxuuna ku waajib yeelay dadwaynaha adeecitaan waxaan ka ahayn macsiyada Alle, wuxuuna ka xaaraamyeelay inay ka baxaan adeecitaankaas waxa ka dhalanaya arrinkaa darteed ee ah fasaadka guud iyo ka gaarka ahba.
Waxaa suurtagal ah ugu dambayntii inaan dhahno islaamku wuxuu damaana qaaday dhismaha iyo samaynta xidhiidhka wanaagsan iyo camalfalka suuban ee u dhaxeeya adoonka iyo rabigii, iyo ka u dhexeeya ruuxa iyo mujtamaciisa. Haddaba ma jiro wanaag dabeecada ka mid ah ama dhaqanka haddii uu jiro wuu ku hanuuniyay umadda wanaagaas kuna booriyay, sharna ma jiro dabeecada ka mid ah ama dhaqanka haddii uu jiro wuu ooga digay umadda waana ka reebay, arrinkaasoo ku tusinaya dhamaystirka diintan iyo wanaagiisa dhan kastaba.
Alle baana mahad iska leh ee barbaariya caalamka (koonka).

Masaailul Jaahiliya

128 مسألة من مسائل الجاهلية

للإمام محمد بن عبد الوهاب رحمه الله تعالى

وترجمة معانيه إلى اللغة الصومالية

بقلم

محمد أدم إبراهيم  شاكر

Shaakir123@hotmail.com


قال الشيخ محمد بن عبد الوهاب رحمه الله تعالى

Wuxuu yiri Sheekh Muxammed Ibnu C/wahaab Allaah koreeyee ha u naxariistee:

هذه أمور خالف فيها رسول الله صلى الله عليه وسلم ما عليه أهل الجاهلية الكتابيين والأميين،

Tani ( waxa kitaabkaan uu ka hadlaayo) waa arimo uu Rasuulka scw ku khilaafay (kaga hor yimid, uu ku diiday) wixii ay ku dul sugnaayeen Ahlul jaahiligii Ahlu kitaabka ahaa ( waa yahuud iyo Nasaara) iyo Umiyiintii ( waa Mushrikiintii Carbeed),

مما لا غنى للمسلم عن معرفتها.

waana wax uusan ka kaaftoomin qofka Muslimka ah garashadeeda (inuu garto arinmahaani uu Rasuulka scw inkiray ee Jaahihiliga ahaa).

فالضد يظهر حسنه الضد      وبضدها تتبين الأشياءُ

     Lidka (wax wax ka soo hor jeedo) waxaa muujiyo Quruxdiisa Lidka (kale) (wixii ka soo hor jeeda oo kale) (qof dheer wuxu dhererkiisa aad u muuqanayaa markuu qof gaaban la socdo, ama qofka fiican waxay fiicnaantiisa aad kuugu muuqanaysaa markaad qof xun aad aragto) —– waxyaabahana waxay ku cadaadaan wixii ka soo hor jeedo.

 

فأهم ما فيها وأشدها خطراً

Waxa ugu muhiimsan  ee arinkaasi ( jaahiliga) ku jira uguna khatarnimo daran waa

عدم إيمان القلب بما جاء به الرسول صلى الله عليه وسلم،

Qalbiga uu rumayn waayo wuxuu la yimid Rasuulka Sallallaahu calayhi wasallam,

فإن انضاف إلى ذلك استحسان ما عليه أهل الجاهلية تمت الخسارة

hadii uu ku darmo arinkaasi (oo rumaynta la,aanta ah) wanaag u arkid waxa ay ku sugan yihiin Jaahiliinta Khasaaradii way dhamaystirmatay (oo khasaaro ma dhinno hadii wixii uu Rasuulka scw la yimid la rumayn waayo wanaagna loo arko waxa ay Jaahiliinta ku sugan yihiin)

كما قال تعالى: {والذين ءامنوا بالباطل وكفروا بالله أولئك هم الخاسرون}.

siduu yiri Allaah koreeyee : { kuwa remeeyay Baadilka kuna kufriyay Allaah kuwaasi waa kuwa khasaaray}

 [1] : أنهم يتعبدون بإشراك الصالحين في دعاء الله وعبادته،

1: (mas,alada koowaad ee uu Nabiga scw ku khilaafay kuwaasi waxay ahayd) ayaga (waa jaahilayada) waxay (Allaah) ku caabudaan ayagoo kula wadaajinaayo Saalixiinta baryada Allaah iyo Cibaadadiisaba,

 

يريدون شفاعتهم عند الله،

(waxayna sidaasi u yeelayeen) ayagoo rabaan inay Saalixiinta uga ergo noqdaan Allaah agtiisa,

لظنهم أن الله يحب ذلك وأن الصالحين يحبونه،

(waxayna sidaasi u sii yeelayaan) maladooda ay u maleenayaan darteeda in Allaah uu jecelyahay arinkaasi (aysameenayaan) iyo in Saalixiinta ay jecelyihiin arinkaasi,

كما قال تعالى: {ويعبدون من دون الله ما لا يضرهم

siduu Allaah koreeyee yiri:{ waxay caabudayaan (Mushrikiinta) Allaah sukadiisa wax aan dhibaynin (haday iska dhaafaan)

ولا ينفعهم ويقولون هؤلآء شفعآؤنا عند الله}

waxna aan u taraynin(haday sameeyaan) waxayna leeyihiin kuwaani waa kuwa nooga ergo noqonayaan Allaah agtiisa}

وقال تعالى: {والذين اتخذوا من دونه أولياء

Allaah koreeyee wuxuu yiri:{kuwa sameestay Allaah sukadiisa Awliyo

مانعبدهم إلا ليقربونآ إلى الله زلفى}

(waxay leeyihiin) uma caabudayno kuwaani waxaan ka ahayn inay noo dhaweeyaan Allaah u dhawaansho}.

وهذه أعظم مسألة خالفهم فيها رسول الله صلى الله عليه وسلم،

Tanina (waxay ay mushrikiinta sameenayaan) waa mas,alada ugu wayn ee uu ku khilaafay Rasuulka scw Mushrikiinta,

فأتى بالإخلاض،

wuxuu la yimid (Nabiga scw) Ikhlaas (Diinka oo Allaah loo barax tiro) ,

وأخبر أنه دين الله الذي أرسل به جميع الرسل،

wuxuuna sheegay in Ikhlaasku yahay Diinkii Allaah uu ula soo diray Rususha oo dhan,

وأنه لا يُقبل من الأعمال إلا الخالص،

iyo inaan la aqbalaynin Acmaasha Ikhlaas maahanee,

وأخبر إن من فعل ما استحسنوا فقد حَرم الله عليه الجنة ومأواه النار.

wuxuuna sheegay in qofkii sameeya waxay wanaajisteen (oo ay ayaga wanaag u arkayaan) in xaqiiqdii uu Allaah ka xarimay Jannada hooygiisana uu ka dhigay Naarta.

وهذه هي المسألة التي تَفرق الناس لأجلها بين مسلم وكافر،

Tanina waa mas,alada darteeda ay ku kala tageen Dadka ayna ku kala noqdeen Muslim iyo Gaal,

وعندها وقعت العداوة،

waana mida ay agteeda ay ka dhacday cadaawada (waxa lagu kala coloobay waa arinkaan),

ولأجلها شرع الله الجهاد كما قال تعالى:

darteeda ayuuna Allaah u jideeyey Jihaadka siduu Allaah yiri:

 

{وقاتلوهم حتى لا تكون فتنة ويكون الدين كله لله}.

{ la dirira Gaalada ilaa laga waayo Fitno (Shirki) Diinkana u ahaado (u saafi garoobo) dhamaantiisa Allaah}.

[2] : أنهم متفرقون في دينهم،

Jaahiliyada waxay ahaayeen kuwo ku kala tagsan Diinkooda, siduu Allaah koreeyee yiri:

كما قال تعالى: {كل حزب بما لديهم فرحون}،

{ kooxkasata waxay haystaan ayay ku farax san yihiin},

وكذلك في دنياهم

sidaasoo kalena (way ku kala tagsanaayeen arimaha) Aduunyadooda,

ويرون أن ذلك هو الصواب،

waxayna u arkaayeen in arinkaasi (kala taga ah) uu Sawaabka yahay,

فأتى بالاجتماع في الدين بقوله:

wuxuuna la yimid (Rasuulka scw) in lagu midoobo Diinka (Islaamka) waxa uuna kula yimid Qawlkii Allaah:

{شرع لكم من الدين ما وصى به نوحا

{(Allaah) wuxuu idinkaga jideeyey Diinka wixii uu kula dar-daarmay Nuux (cs)

 

 

والذي أوحينا إليك وما وصينا به إبراهيم وموسى وعيسى

iyo wixii aan kuu waxyoonay (Adiga Rasuulka ah scw) iyo wixii aan u dar-daarannay Ibraahiim iyo Muusa iyo Ciise cs (dar-daarankaasi oo ahaa)

أن أقيموا الدين ولا تتفرقوا فيه}،

in aad oogtaan Diinka aydaana ku kala tagina Diinka dhexdiisa}

وقال تعالى {إن الذين فرقوا دينهم وكانوا شيعا لست منهم في شئ}،

waxaana uu yiri Allaah koreeyee: { kuwa kala geeyey Diinkooda ahaadayna kooxo kooxo waxba ugama mid tihid (meelna kama soo gashid ayagana meelna kaama soo galaan waxba isuma ihidiin)},

ونهانا عن مشابهتهم بقوله:

wuxuuna Allaah inooga reebay Qawlkiisa u ekaanshiyaha (isu ekeen siinta) kuwaasi:

{ولا تكونوا كالذين تفرقوا واختلفوا من بعد ما جآءهم البينات}،

{hana ahaanina kuwii kala tegay oo kale isna khilaafay ka dib markuu u yimid Aayaatkii cad cadaa},

ونهانا عن التفرق في الدنيا بقوله: {واعتصموا بحبل الله جميعا ولا تفرقوا}.

wuxuuna nooga reebay (Allaah) kala taga Aduunyada dhex deeda ( qabsada Xariga Allaah dhamaan (tiina) hana kala tegina)

   

 

[3] : أن مخالفة ولي الأمر

3: (Mas,alada 3aad uu Nabiga scw ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd in ay u arkayeen): in la khilaafo oo laga hor imaado waliyul amriga (qofka madaxda ah)

وعدم الانقياد له فضيلة،

iyo in loo hogaansami waayo ay tahay Fadiila (wax wanaag dheeraad ah leh),

والسمع والطاعة له ذل ومهانة،

maqlidana (waliyul amriga war kiisa la maqlo)iyo Adeecida (amarkiisa la adeeco waxay u arkaayeen) Duli iyo ihaano (liidnaan ayay u arkayeen),

فخالفهم رسول الله صلى الله عليه وسلم وأمر بالصبر على جور الولاة،

wuuna ku khilaafay Rasuulka scw Jaahiliyadaasi wuxuuna amray in lagu sabro Tagri falka Madaxda,

وأمر بالسمع والطاعة لهم والنصيحة،

wuxuuna amray Maqlid iyo Adeecid Madaxda loo sameeyo (waa wixii Macruuf ah) iyo in loo naseexeeyo (markii ay qaldamaan qaldamaan),

وغلظ في ذلك وأبدى فيه وأعاد.

wuuna adkeeyay Rasuulka scw arinkaasi wuuna muujiyey wuuna ku cel celiyey.

 وهذه الثلاث هي التي جمع بينها فيما صح عنه في الصحيح أنه قال:

Sedexdaanina waa mida uu (Rasuulka scw ) ku aruuriyay wixii uga ansaxay Saxiixa oo ah inuu yiri (Nabiga scw):

“إن الله يرضى لكم ثلاثاً أن تعبدوه ولا تشركوا به شيئاً،

Allaah wuxuu raali idinkaga noqonayaa sedex (arimood) oo ah inaad caabudaan Allaah aydaana u shariik yeelina Allaah waxba,

وأن تعتصموا بحبل الله جميعاً ولا تفرقوا،

iyo inaad qabsataan Xariga Allaah dhamaan (kala harid la,aan) oo aydaan kala tagina,

وأن تناصحوا من ولاه الله أمركم” (أخرجه مسلم).

iyo inaad u naseexaysaan Dadkuu Allaah arinkiina u dhiibay (Madaxdiina)” xadiithka waxaa soo saaray Muslim.

ولم يقع خلل في دين الناس ودنياهم إلا بسبب الإخلال بهذه الثلاث أو بعضها.

Mana ku dhicin hoos u dhac Dadka Diinkooda iyo Aduunyadoodaba illaa waxaa sabab u ah hoos u dhac ku yimaada sedexdaan arimood ama wax ka mid ah.

 [4] : أن دينهم مبني على أصول أعظمها التقليد،

4🙁mas,alada 4aad uu Rasuulka scw ku khilaafay  Jaahiliyada waxay ahayd) in Jaahiliyada Diinkooda uu ku dhisnaa Usuul ay ugu waynayd Taqliid (Ab-kasoo gaar wax ay aabayaashooda ka soo gaareen),

فهو القاعدة الكبرى لجميع الكفار أولهم وآخرهم،

Taqliidkuna uu yahay Qaacidada ugu wayn ay Gaalada dhamaantooda ay leeyihiin koodii ugu horeeyey iyo koodii ugu dambeeyey,

 

كما قال تعالى: {وكذلك مآ أرسلنا من قبلك في قرية من نذير

siduu Allaah u yiri:{ sidaasoo kalena uma aanan dirin hortaada Magaalo Mid u diga

إلا قال مترفوهآ إنا وجدنا ءاباءنا على أمة

illaa waxay dhahaayeen kuwaada loo nimceeyey anaga waxaan ka helnay (ka soo gaarnay) Aabayaasheena Diin ay ku dul sugnaayeen

وإنا على ءاثرهم مقتدون}

anagana waxaan nahnay kuwo raadkooda ku dayanaayo (oo aan meelna uga leexanaynin)},

وقال تعالى: {وإذا قيل لهم اتبعوا ما أنزل الله

wuxuuna yiri Allaah: ( markii lagu dhaho (Mushrikiintaa Gaalada ahayd) raaca wuxuu Allaah soo dejiyay,

قالوا بل نتبع ما وجدنا عليه ءابآءنآ

waxay dhihi jireen bal waxaan raacaynaa wixii aan ka helnay (aan ka soo gaarnay) Aabayaasheena ayagoo ku dul sugan

أولو كان الشيطان يدعوهم إلى عذاب السعير}،

(Allaahna wuxuu yiri miyay iska raacayaan) hadii uu Shaydaanku ugu yeeraayay Aabayaashooda Cadaabka (Naarta) Saciiro},

فأتاهم بقوله:

Nabigana scw wuxuu ula yimid Jaahiliyada Qawlkii Allaah:

{قل إنمآ أعظكم بواحدة

{waxaad dhehdaa (Nebiyow) waxaan idinku waaninayaa hal arin oo keliya (taasoo ah)

أن تقوموا لله مثنى وفرادى ثم تتفكروا

inaad isu taagtaan (u jihaysataan) Allaah adinkoo laba laba ah iyo adinkoo keli keli ah ka dibna aad fikirtaan

ما بصاحبكم من جنة}،

inaanu ahaanin Saaxiibkiin (Nabi Muxammed scw) min waali ku sugan}

وقوله: {اتبعوا مآ انزل إليكم من ربكم

iyo Qawlkii Allaah   ayuu ula yimid: { raaca waxa la idinkaga soo dejiyay xaga Rabigiina,

ولا تتبعوا من دونه أولياء قليلا ما تذكرون}.

hana raacina Allaah sukadiisa Awliyo yaraa, inta aad waan samaysaan}.

 [5] : أن من أكبر قواعدهم الاغترار بالأكثر،

5: (mas,alada 5aad uu Rasuulka scw ku khilaafay  Jaahiliyada waxay ahayd) in Qawaacida Jaahiliyada (ay wax ku miizaamaan) kuwooda ugu waawayn ay ka mid ahayd ku kad soomida ay ku kadsoomeen Badnaashiyaha (meesha ay Dadka u badan yihiin),

ويحتجون به على صحة الشئ،

waxayna u xujaystaan Badnaashiyaha saxiixnimada shayga,

ويستدلون على بطلان الشئ بغربته وقلة أهله،

waxayna u daliishtaan Baadilnimada shayga hadba siday Dadka u ghariib sadaan (ula yaaban yihiin) waxaasi iyo sida ay u yar yihiin Dadka shaygaasi taageersan,       

فأتاهم بضد ذلك وأوضحه في غير موضغ من القرآن.

wuxuuna ula yimid Rasuulka scw wax ka soo hor jeeda arinkaasi (miisaanka ay wax ku kala saarayeen) wuxuuna ugu cadeeyey meel wax ka badan oo Qur,aanka ka mid ah.

[6] : الاحتجاج بالمتقدمين كقوله:

6: (mas,alada 6aad uu Rasuulka scw ku khilaafay  Jaahiliyada waxay ahayd) xujo ka dhigashada ay xujo ka dhiganaayeen Dadkii hore sida uu cadeeyey Qawlkii Allaah:

{قال فما بال القرون الأولى}،

{ wuxuu yiri (Fircoon Dadkii) Qarniyadii hore xaalkooda muxuu ahaa (oo miyay qaldanaayeen),

{ما سمعنا بهذا فى ءابآءنا الأولين}.

{ kama aanan maqlin arinkaan  (aad noola timid) Aabayaasheenii hore}.

[7] : الاستدلال بقوم أعطوا قوى في الأفهام والأعمال،

7: (mas,alada 7aad uu Rasuulka scw ku khilaafay  Jaahiliyada waxay ahayd): Daliilsasho ay daliil sanaayeen Umad la siiyay Awood xaga Fahamka ah iyo Shaqada,

وفي الملك والمال والجاه،

iyo Boqortooyada iyo Maalka iyo Jaaha (Maamuuska),

فرد الله ذلك بقوله:

Allaahna wuxuu ku radiyay arinkaasi (Daliishigoodaasi) Qawlkiisa:

{ولقد مكانهم فيمآ إن مكناهم فيه}،

{Xaqiiqdii waxaan makaninnay (u suura gelinay, siinay Reer Caad) wax aanan idin makaninnin (aanan idin suuragelinin, aanan idin siinin)},

وقوله: {وكانوا من قبل يستفتحون على الذين كفروا

iyo Qawlkiisa ayuu ku radiyay Allaah ( waxayna hore u ahaayeen ( Yahuuda inta aan Nabiga scw la soo dirin kuwo ka rajeeya soo bixintaanka Nabi Muxammed scw) inay kaga gar gaarsadaan kuwii gaaloobay,

فلما جاءهم ما عرفوا كفروا به}،

markuuse u yimid (Yahuudii) way ku gaalboobeen Nabiga ),

وقوله: {يعرفونه كما يعرفون أبناءهم}.

iyo Qawlkiisa ayuu ku radiyay Allaah: { waxay Nabiga u garanayeen (Yahuuda) siday wiilashooda u garanayeen).

[8] : الاستدلال على بطلان الشئ بأنه لم يتبعه إلا الضعفاء،

8: (mas,alada 8aad uu Rasuulka scw ku khilaafay  Jaahiliyada waxay ahayd): Daliilsiga ay u daliil sanayeen baadilnimada shayga, inaysan raacin shaygaasi kawa Ducafada (taagta daran maahanee) ,

 

كقوله: {أنؤمن لك واتبعك الأرذلون}،

siduu allaah Qawlkiisa ku sheegay ( waxay dhaheen Qawmu Nuux) { ma waxaanu ku rumaynaynaa Adigooy ku raaceen kuwa Dulaysan ( ee liita waa siday yiraahdeenee )

وقوله: {أهؤلآء من الله عليهم من بيننآ}،

iyo Qawlka Allaah { ma kuwaanuu Allaah ku manaystay (ku galadaystay Islaamka) dhexdeena },

فرده الله بقوله: {أليس الله بأعلم بالشاكرين}.

Allaah se wuu ku radiyay Qawlkiisa:{ miyuusan Allaah ahayn Mid ku ogaal badan Kuwa mahadiya} (Haa waaye Jawaabta)

[9] : الاقتداء بفسقة العلماء والعباد

9: (mas,alada 9aad uu Rasuulka scw ku khilaafay  Jaahiliyada waxay ahayd): ku dayasho ay ku dayanayeen Culimada Faasiqiinta ah iyo Cubbaada Faasiqiinta ah (kuwa cibaadadooda aan Daliilka iyo Diinta ku dhisnayn),

فأتى بقوله: {يا أيها الذين ءامنوا إن كثيرا من الأحبار والرهبان

wuxuuna la yimid (Rasuulka scw)Qawlkii Allaah: { kuwa Xaqa rumeeyow in badan oo ka mid ah Axbaarta ( Culimada Yahuuda) iyo Rubhaanta (Culimada Nasaarada)

ليأكلون أموال الناس بالباطل ويصدون عن سبيل الله}،

waxay ku cunaan Xoolaha Dadka si Baadil ah waxayna ka celiyaan (Dadka) Wadada Allaah (Xaqa)},

وبقوله: {لا تغلوا في دينكم غير الحق

iyo Qawlkii Allaah { ha ku xad gudbina Diinkiina Xaq waxaan ahayn (wax aan ka mid ahayn ha ku soo darina)

ولا تتبعوا أهوآء قوم قد ضلوا من قبل وأضلوا كثيرا وضلوا عن سواء السبيل}.

hana raacina Umad hore u dhuntay hawadooda, in badanna dhumiyay (sabab u noqotay) ayagana ka dhumay Wadadii sinnayd (toosnayd)}.

 [10] : الاستدلال على بطلان الدين بقلة أفهام أهله وعدم حفظهم كقولهم {بادي الرأي}.

10: (mas,alada 10 aad uu Rasuulka scw ku khilaafay  Jaahiliyada waxay ahayd): Daliisashada ay Diinka inay Baadil ku sheegaan u daliishanayeen faham yarida Diinka Dadkiisa iyo inaysan Xifdigooda uusan jirin sida hadalkooda ahaa { kuwa ku deg dega ra,yiga (oo aan ra,yi fiican lahayn (waa siday ayaga yihiin }.

[11] : الاستدلال بالقياس الفاسد كقولهم: {إن أنتم إلا بشر مثلنا}.

11: (mas,alada 11 aad uu Rasuulka scw ku khilaafay  Jaahiliyada waxay ahayd):Daliisashada ay Qayaaska faasidka ah daliishanayeen sida hadalkoodii ahaa{ ma tihidiin Dad anagoo kale ah mooyaanee).

 [12] : إنكار القياس الصحيح،

12: (mas,alada 12 aad uu Rasuulka scw ku khilaafay  Jaahiliyada waxay ahayd): inkirida ay Qiyaaska saxiixa ah inkireen,

والجامع لهذا وما قبله

kan (inkirida qiyaaska saxiixa ah) iyo wixii ka horeeyey (daliilsiga qiyaaska faasidka ah) waxa kulminaayo (oo sabab ugu ah inay 2 daasi isku darsadaan wuxuu yahay)

 

عدم فهم الجامع والفارق.

fahmid la ,aanta ka haysatay waxa wax kulimiya iyo waxa wax kala saara (garasho la,aantaasi ayaa ugu wacan).

 [13] : الغلو في العلماء الصالحين،

13: (mas,alada 13 aad uu Rasuulka scw ku khilaafay  Jaahiliyada waxay ahayd): ku talax tageida ay Culimada wan wanaagsan ay ku talax tageen,

كقوله: {يا أهل الكتاب لا تغلوا في دينكم

sida Qawlkii Allaah ku xusan: { Kitaabka Dadkiisiyoow ha ku talax tegina (ha ku xad gudbina) Diinkiina,

ولا تقولوا على الله إلا الحق}.

hana ka dhihina Allaah waxaan Xaq ahayn}.

 [14] : أن كل ما تقدم مبني على قاعدة وهي النفي والإثبات،

14: wixii soo hor maray oo dhan waxay ku dul dhisan yihiin Qaacido ah Nafyi (Diidmo) iyo Ithbaat (sugid),

فيتبعون الهوى والظن ويُعرضون عما جاءت به الرسل.

ayagana waxay raacayaan Hawo iyo Malo waxayna ka jeesanayaan waxay Rususha la i maadeen.

 [15] : اعتذارهم عن اتباع ما آتاهم الله بعدم الفهم

15: ka cudur daarashadoodii ay ka cudur daarteen wuxuu Allaah u keenay ayna ugu cudur daateen fahmid la,aan,

 

كقولهم: {قلوبنا غلف}،

sida hadalkoodii ay dhaheen{ Quluubteena way xiran tahay}, 

{يا شعيب ما نفقه كثيراً مما تقول}،

{ Shucayboow wax badan ma ka fahmeeno waxaad leedahay},.

فأكذبهم الله وبين أن ذلك بسبب الطبع على قلوبهم، وأن الطبع بسبب كفرهم.

Allaah been ayuu ku sheegay warkooda wuxuuna cadeeyey in sababka arinkaasi uu yahay Daboolid uu Allaah daboolay Quluubtooda, daboolidaasina ay tahay sababta gaalnimadooda.

 [16] : اعتياضهم عما أتاهم من الله بكتب السحر، كما ذكر الله ذلك في قوله:

16mas,alada 16aad waa: ku badelashadoodii ay ku badeshteen wuxuu Allaah siiyay kutubta Sixirka, siduu Allaah ku sheegay arinkaas Qawlkiisa dhexdiisa:

{ولما جاءهم رسول من عند الله مصدق لما معهم

{ markuu u yimid Rasuul laga soo diray Allaah agtiisa (Rasuulkaasoo) rumaysan waxa agtooda yaala (Tawreed)

نبذ فريق من الذين أوتوا الكتاب كتاب الله ورآء ظهورهم كأنهم لا يعلمون (*)

ayaa koox ka mid ah kuwa Kitaabka la siiyay waxay ka tuureen Kitaabkii Allaah dhabaradooda gadaashooda sidii ayagoonba aqoonin*

واتبعوا ما تتلوا الشياطين على ملك سليمان

waxay raaceen (Gaaladii Yahuuda) waxay Shayaadiintii ku aqrinayeen (ka sheegeen) Boqortooyadii Sulaymaan (cs),

وما كفر سليمان ولكن الشياطين كفروا يعلمون الناس السحر ومآ}.

mana gaaloobin Sulaymaan hase yeeshee Shayaadiintii ayaa waxay ku gaaloobeen oo waxay barayeen Dadka Sixirka.

[17] : نسبةُ باطلهم إلى الأنبياء

17: mas,alada 17aad waa: u tiirin ay Baadilkooda u tiiriyaan Anbiyada,

كقوله: {وما كفر سليمان}،

siduu Allaah Qawlkiisa inoogu sheegay Asigoo u jawaabaayo Gaaladii Yahuuda ee sixirkooda u nisbeeyeen Nabi Sulaymaan)Allaah wuxuu yiri:{(Nabi) Sulaymaan ma gaaloobin},

وقوله: {ما كان إبراهيم يهودياً ولا نصرانياً}.

iyo Qawlkii Allaah { ma ahaanin (Nabi) Ibraahiim Yahuudi iyo Nasraani}.

 [18] : تناقضهم في الانتساب،

18: is buruntooda waxa ay u nisbo sheeganayaan,

ينتسبون إلى إبراهيم مع إظهارهم ترك اتباعه.

oo waxay u nisbo sheeganayaan (Nabi) Ibraahiim cw ayagoo muujisanaayaan raacidiisa ka tegideeda (inay raacaan Nabig Ibraahiim cs ayay ka tageen weliba ayagoo  u nisba sheeganayaan Nabi Ibraahiim cs).

 

[19] : قدحهم في بعض الصالحين بفعل بعض المنتسبين إليهم،

19: mas,alada 19aad: ceebeentooda Saalixiinta qaarkooda ay ku ceebeeyaan ficil ay sameenayaan Dadkii Saalixiinta u nisbo sheegtay qaarkood,

كقدح اليهود في عيسى،

sida ceebeentii Yahuuda ee Nebi Ciise cs,

وقدح اليهود والنصارى في محمد صلى الله عليه وسلم.

iyo ceebeenta Yahuuda iyo Nasaarada ee Nebi Muxamed scw.

 [20] : اعتقادهم في مخاريق السحرة

20: mas,alada 20aad waxay tahay: Rumayntooda  waxyaabaha caadada ka baxsan (caqliga ku adag ee  Dadka ka yaabiya) ee Saaxiriinta sameeyaan ay rumeeyaan

وأمثالهم أنها من كرامات الصالحين،

iyo kuwa saaxiriinta la midka ah oo ay u rumeeyaan inay ka mid tahay Karaamaatka Saalixiinta,

ونسبته إلى الأنبياء كما نسبوه لسليمان عليه السلام.

iyo u nisbeentiisa waxaasi (u tiiriyaan waxaasi saxarada ay sameenayaan) Anbiyada sida u nisbeentooda Nabi Sulaymaan sc.

[21] : تعبدهم بالمُكَاءِ والتَصِديةِ. (1).

21: mas,alada 21aad waxay tahay: ku cibaadaysigooda ay ku cibaadaystaan foorida iyo sacba tumida (sacbis).

 [22] : أنهم اتخذوا دينهم لهواً ولعباً.

22: mas,alada 22aad waxay tahay: inay Diinkooda ka dhigteen  wax lagu daaho iyo dheel dheel (maad iyo madadaalo).

 [23] : أن الحياة الدنيا غرتهم،

23: mas,alada 23aad waxay tahay: in nolosha Aduunyada ay kedisay (ay dagtay),

فظنوا أن عطاء الله منها يدل على رضاه كقولهم:

oo waxay u maleeyeen Aduunyada Allaah siiyey inay tusinayso Raali ahaanshiyaha Allaah sida hadalkoodii ahaa uu Allaah inoo sheegay

{نحن أكثر أموالا وأولاداً وما نحن بمعذبين}.

{waxaan nahnay kuwo Dad iyo Duunyo badan leh, mana nihin kuwo la cadaabaayo}.

 [24] : ترك الدخول في الحق

24: mas,alada 24aad waxay tahay: ka tegid Xaqa gelidiisa ay ka tagaan

إذا سبقهم إليه الضعفاء تكبراً وأنفة،

marba hadii ay kaga hor maraan Xaqa kuwa Ducafada ah isla wayni iyo santaagid darteeda,

فأنزل الله تعالى: {ولا تطرد الذين يدعون ربهم}. الآيـات.

Allaah Koreeyee wuxuu soo dejiyey ( ha eryin (ha burinin) kuwa baryaayo (caabudaayo) Rabigooda}.

 [25] : الاستدلال على بطلانه بسبق الضعفاء،

25:mas,alada 25aad waxay tahay: Daliilsasho ay Xaqa in ay baadil ku sheegaan u daliishtaan ku hor marida Ducafada (Dadka taagta daran ) ku hor mareen xaqa gelidiisa,

كقوله: {لو كان خيراً ما سبقونا إليه}.

siduu Allaah qowlkiisa noogu sheegay { haduu Khayr ahaan lahaa noogama hor mareen (ducafada ayay dhaheen)}.

 [26] : تحريف كتاب الله من بعد ما عقلوه وهم يعلمون.

26: mas,alada 26aad waxay tahay: bedelida ay Kitaabka Allaah bedeleen markay ogaadeen ka dib ayagoo og.

 [27] : تصنيف الكتب الباطلة ونسبتها إلى الله،

27:mas,adada 27aad waxay tahay: Qorid ay Kutubo baadil ah qoraan ayagoo u tiirinaayaan Allaah xagiisa,

كقوله: {فويل للذين يكتبون الكتاب بأيديهم ثم يقولون هذا من عند الله} الآية.

siduu Allaah yiri: { waxaa halaag u sungaaday kuwa ku qoraayaan kitaabka gacmahooda ka dibna dhahaayaan kani (kitaabkaani) xag Alle ayuu ka ahaaday (ka yimid).

 [28] : أنهم لا يقبلون من الحق إلا الذي مع طائفتهم،

28: mas,alada 28aad waxay tahay: inaysan ayaga (Jaahiliyada) aysan aqbalaynin Xaqa aan ka ahayn midka kooxdooda haysato,

كقوله: {قالوا نؤمن بمآ انزل علينا}.

siduu Allaah yiri { waxay dheheen waxaan rumeeneenaa waxa nalagu soo dul dejiyay}.

 [29] : أنهم مع ذلك لا يعلمون بما تقوله طائفتهم،

29: ayagoo sidaasi ah ma oga oo ma yaqaaniin waxa ay dhaheeso (ay qabaan) kooxdooda,

كما نبه الله تعالى عليه بقوله:

siduu Allaah koreeyee ku baraarujiyay Qawlkiisa:

{قل فَلِمَ تقتلون أنبياء الله من قبل إن كنتم مؤمنين}.

{ waxaad dhahdaa (Nebiyow) maxaad u dilayseen Anbiyadii Allaah hada ka hor hadii aad tihiin Mu,miniin}.

 [30] : وهي من عجائب آيات الله،

30: mas,alada 30aad waxay tahay: waxay ka mid tahay cajaa,ibta Aayaatka Allaah,

أنهم لما تركوا وصية الله بالاجتماع،

Jaahiliyada markay ka tageen Dar daarankii Allaahuu kula dar daarmay Midoobida (in la Midoobo),

وارتكبوا ما نهى الله عنه من الإفتراق،

waxayna koreen (waxayna la yimaadeen) wuxuu Allaah ka reebay oo ah kala tagid,

صار كل حزب بما لديهم فرحين.

koox weliba wuxuu noqday kuwo waxay haystaan ku faraxsan.

 

 

 [31] : وهي من أعجب الآيات أيضاً،

31: mas,alada 31aad waxay tahay: sidoo kale waxay ka mid tahay Aayaatka ugu cajaa,ibta badan,

معاداتهم الدين الذي انتسبوا إليه غاية العداوة،

(taa soo ah) la colaytanka ay Diinka ay u nasab sheegtaan la colaytameen la colaytanka  ugu xeel dheer,

ومحبتهم دين الكفار الذين عادوهم وعادوا نبيهم وفئتهم غاية المحبة،

iyo Jacaylkooda ay jeclaadeen Diinka Gaaladii la calaytantay ayaga lana colaytantay Nabigooda iyo Kooxdooda (oo ay jeclaadeen) Jeclaanta mida u xeel dheer,

كما فعلوا مع النبي صلى الله عليه وسلم لما أتاهم بدين موسى عليه السلام،

sidii ay ku sameeyeen Nabiga scw markii uu ula yimid Diintii Muuse cs,

واتبعوا كتب السحرة، وهي من دين آل فرعون.

waxayna raaceen Kutubtii Saaxiriinta,  oo ahayd Diintii Reer Fircoon.

 [32] : كفرهم بالحق إذا كان مع من لا يهوونه،

32: mas,alada 32aad waxay tahay: ku gaaloobidooda Xaqa ay ku gaaloobaan marka uu xaqa maro Cid aysan jeclayn dhiniciisa,

كما قال تعالى: {وقالت اليهود ليست النصارى على شئ وقالت النصارى ليست اليهود على شئ}.

sida Allaah Asigoo nooga waramaayo yiri: {Yahuud waxay tiri ma ahaanin Nasaarada waxba (oo wax xaq ah maku taagno), Nasaarana waxay tiri Yahuuda ma ahaanin shay kor kiisa (wax xaq ah ma haystaan)}.

 [33] : إنكارهم ما أقروا أنه من دينهم،

33: mas,alada 33aad waxay tahay: inkiridooda ay inkireen wixii ay qireen inuu Diinkooda ka mid yahay,

كما فعلوا في حج البيت، فقال تعالى:

siday sameeyeen Xajinta Baytka, wuxuu yiri Allaah koreeyee:

{ومن يرغب عن ملة إبراهيم إلا من سَفِهَ نفسه}.

{ yaa nacaya Diinkii Ibraahiim aan ka ahayn qof doqomooway nafsadiisa}.

 [34] : أن كل فرقة تدعي أنها الناجية،

34: mas,alada 34aad waxay tahay: in koox kasta ay sheegato inay tahay kooxda bad baadaysa,

فأكذبهم الله بقوله: {هاتوا برهانكم إن كنتم صادقين}،

Allaah wuu ku beeniyay Qowlkiisa: { la imaada Xujooyinkiina hadaad tihiin kuwo run sheegaayo},

ثم بين الصواب بقوله:

wuxuuna ku cadeeyey Allaah sida Sawaabka ku jirto (oo lagu noqon karo Firqatu An-Naajiyah) Qawlkiisa:

{بلى من أسلم وجهه لله وهو محسن}.

 {waxay sheeganayaan iskaba daayee Ruuxii u hogaamiya Wejigiisa Allaah isagoo sama fala ah}.

 [35] : التعبد بكشف العورات كقوله:

35: mas,alada 35aad waxay tahay: ku cibaadaysiga ay ku cibaadaysanayaan cawrooyinka oo faydan siduu Allaah Qawlkiisa ku sheegay:

{وإذا فعلوا فاحشة قالوا وجدنا عليهآ ابآءنآ والله أمرنا بها} .

{ markay sameeyaan Faaxisho (cawradooda ay faytaan) waxay dhahayaan waxaan ka helnay (oon ka soo gaarnay) Aabayaasheena Allaahna wuu na amray inaan saas sameeno ( waa siday ku been abuurteene}.

 [36] : التعبد بتحريم الحلال، كما تعبدوا بالشرك.

36: mas,alada 36aad waxay tahay: ku cabaadaysiga ay ku cibaadaystaan xarimid la xarimo xalaasha, siday ugu cibaadaysteen Shirkiga.

 [37] : التعبد باتخاذ الأحبار والرهبان أرباباً من دون الله.

37: mas,alada 37aad waxay tahay: ku cibaadaysiga ay ku cibaadaystaan ka yeelasho ay Rabiyaalo  ka yeeshtaan Axbaarta (Culimada ) iyo Ruhbaanta (Cubbaada) Allaah sukadiisa.

 [38] : الإلحاد في الصفات، كقوله تعالى:

38: mas,alada 38aad waxay tahay: leexinta la leexiyo Tilmaamaha (Allaah isku sifeeyey), siduu Allaah yiri:

{ولكن ظننتم أن الله لا يعلم كثيراً مما تعملون}

{ balse waxaad maleeseen in Allaah uusan ogayn wax badan oo aad samaynaysaan (cilmi la,aanta ay Allaah ku maleeyeen ayaa ah Sifo ay leexiyeen oo Allaah leeyahay ilayn Cilmiga waa sifo min sifaati-llaah)}.

[39] : الإلحاد في الأسماء، كقوله: {وهم يكفرون بالرحمن}.

39: mas,alada 39aad waxay tahay: leexinta ay leexiyeen magacyada Allaah siduu Allaah Qawlkiisa ku yiri: { waxay ku kufrinayaan Ar-raxmaan}.

[40] : التعطيل، كقول آل فرعون.

40: mas,alada 40aad waxay tahay: Dafiraad (ay qaarkooda koonkaan ka dafiraan Rabigii Abuurtay, iska yeel yeelid darteeda) Reer Fircoon warkooda oo kale.

 [41] : نسبة النقائص إليه سبحانه،

41: mas,alada 40aad waxay tahay : Tiirinta wax yaabo Nuqsaan ah  ay u tiirinayaan Allaah Xumaan oo dhan na nazahnaayee,

كالولد والحاجة والتعب،

sida (inuu dhalay) ilmo iyo Baahi (inuu wax u baahan yahay) iyo Daalid ( inuu Allaah daalo),

مع تنزيه رهبانهم عن بعض ذلك.

iyadoo ay arimahaani qaarkooda (wax yaabaha ay Allaah u tiirinayaan) ay ka nazahayaan (u diidayaan) Culimadooda (Baadariyaashooda sida inuusan guursanin waxna dhalin, iyadoo ay Arintaana ku sheegaan inuu Allaah guursaday Cunug na dhalay Subxaanahu Watacaalaa waxay ku tilmaamayaan).

 [42] : الشرك في الملك، كقول المجوس.

42: mas,alada 42aad: Wadaajin ay Mulkiga Allaah kula wadaajiyaan Cid kale , sida Majuusta hadalkooda oo kale.

[43] : جحود القدر.

43: mas,alada 43aad waxay tahay: Qadarka oo la diido (la inkiro.

[44] : الاحتجاج على الله به.

44: mas,alada 44aad waxay tahay: Allaah oo loo xujeesto Qadarka (sida inay xumaan sameeyaan sida Shirkiga iwm ka dibna dhahaan Allaah ayaa qadaray)..

[45] : معارضة شرع الله بقدره.

45: mas,lada 45aad waxay tahay: Sharciga Allaah oo looga hor yimaado Allaah Qadartiisa (sida inay dhahaan Hanuunka Allaah nooma qorin oo maxay ka ogyihiin mustaqbalkooda siduu noqon doono inuu Allaah hanuun u qoray iyo inuusan u qorin ).

 [46] : مسبة الدهر،

46: mas,alada 46aad  waxay tahay: Zamanka oo la caayo,

كقولهم: {وما يهلكنا إلا الدهر}.

sida hadalkooda ay yiraahdeen Allaahna noo sheegay  {nama halaagaayo waxaan Waqtiga ahayn}.

[47] : إضافة نعم الله إلى غيره،

47: mas,alada 47aad waxay tahay: Nicmooyinka Allaah oo loo tiiriyo Cidaan Allaah ahayn,

كقوله: {يعرفون نعمت الله ثم ينكرونها}.

sida Qawlkii Allaah ku sugnayd {Nicmada Allaah ayay garanayaan (inay xaga Allaah ka timid) ka dibna way inkirayaan}.

 [48] : الكفر بآيات الله.

48: mas,alada 48aad waxay tahay: ku gaaloobid Aayaatka Allaah oo lagu gaaloobo.

 [49] :جحد بعضها.

49: Diidid ay Aayaatka Allaah qaarkooda diidaan.

 [50] : قولهم: {ما أنزل الله على بشرمن شئ}.

50: waa hadalkooda ay dhaheenn : { Allaah waxba kuma soo dejinin Dadka (waxay inkirayaan Risaalada xaga Allaah ka timid)}.

 [51] : قولهم في القرآن: {إن هذآ إلا قول البشر}.

51: waa hadalkooda ay Qur,aanka ka sheegeen oo waxay dhaheen:{Qur,aankaani ma ahaanin Hadal Qof yiri mooyee}

[52] : القدح في حكمة الله تعالى.

52: Ceebeen la ceebeeyo (oo xumaan lagu sheego ama ula jeedo la,aan lagu tilmaamo)Xikmada Allaah koreeyee.

 [53] : إعمال الحيل الظاهرة والباطنة في دفع ماجاءت به الرسل

53: Sameen la sameeyo Xeelado muuqdo iyo kuwo qarsan si ay isaga riixaan (isaga celiyaan) wixii ay Rususha la timid,

كقوله تعالى: {ومكروا ومكر الله}،

siduu Allaah koreeyee inoo sheegay:{way shirqooleen (Xaqii) ayagana Allaah ayaa makray (oo dabankii ay Xaqa u dhiga islahaayeen ayuu Allaah ayaga ku riday)},

وقوله: {وقالت طآئفة من أهل الكتاب

iyo Qawlkii Allaah:{waxay tiri koox ka mid ah kuwa Kitaabka la siiyay

امنوابالذيأنزلعلىالذينآمنوا وجه النهار واكفروا اخره}.

rumeeya waxa lagu soo dul dejiyay Mu,miniinta Maalinka gelinkiisa hore kuna gaalooba Maalinka gelinkiisa dambe (si ay u kala fur furaan Muslimiinta shaki iyo shubuhna u geliyaan ayay sidaasi u yeelayaan)}.

 [54] : الإقرار بالحق ليتواصلوا به إلى دفعه كما قال في الآية (2).

54: qirid ay qirayaan Xaqa si ay u gaaraan siday isaga reebi lahaayeen Xaqa siduu Allaah ku yiri Aayada.

[55] : التعصب للمذهب، كقوله تعالى: {لا تؤمنوا إلا لمن تبع دينكم}.

55Tacasubid Mad-hab loo tacasubo, sida Qawlkii Allaah koreeyey: {ha rumeesanina Qof Diinkiina raacay mooyee}.

 [56] : تسمية اتباع الإسلام شركاً،

56: Islaamka raacistiisa oo lagu sheego Shirki,

كما ذكره في قوله تعالى: {ما كان لبشر أن يؤتيه الله الكتاب والحكم والنبوة

siduu Allaah  koreeyee ku sheegay Qawlkiisa :{ uma ahaanin bashar inuu Allaah siiyo Kitaab iyo Xukun iyo Nabi nimo

 

ثم يقول للناس كونوا عبادا لي من دون الله} الآيتين.

 ka dibna Dadka ku yiraahda ii noqda Adoomo Allaah sukadiisa}.

[57] : تحريف الكلم عن مواضعه (3).

57: Kelimada oo laga bedelo Booskeedii (macno ahaan ha loo bedelo ama lafdi ahaan ).

 [58] : لي الألسنة بالكتاب (4).

58: Carabka oo lagu laabo (lagu leexiyo) Kitaabka.

[59] : تلقيب أهل الهدى بالصباة والحشوية.

59: Dadka hanuunsan oo lagu naanayso (loogu magac daro) Saabi,nimo iyo Khashwanimo (waa magacyo dad hore tusaale ahaan ayuu sheekha u soo qaatay ee magacba maga ka xun ayaa Dadka wanaagsani ay ku tilmaamaan).

[60] : افتراء الكذب على الله.

60: Been abuurasho Allaah lagu been abuurto.

[61] : التكذيب بالحق.

61: Beenin ay Xaqa beeninayaan.

 [62] : كونهم إذا غُلبوا بالحُجة فزعوا إلى الشكوى للملوك،

62: ahaanshiyahooda ay yihiin markii looga adkaado Xujada (Daliilka Qur,aanka iyo Axaadiithta) ay u arga gaxaan (u fakadaan, u cararaan) Boqorada (Madaxda Maamulada) xagooda,

 

كما قالوا: {اتذر موسى وقومه ليفسدوا في الأرض}.

siday dheheen{ (Fircoonoow) ma waxaad u daynaysaa Muuse iyo Dadkuu wato inay fasahaadiyaan Dhulka).

 [63] : رميهم إياهم بالفساد في الأرض كما في الآية.

63: mas,alada 63aad waxay tahay :ku tuuristooda ay Dadka Ahlu Xaqa ah ay dusha u saaraan Fasahaadinta Arlada sida ku jirtay Aayadii la soo dhaafay.

 [64] : رميهم إياهم بانتقاص دين الملك،

64: mas,alada 64aad waxay tahay :ku tuuristooda ay Dadka Ahlu Xaqa ah ay dusha u saaraan Diinka Boqorka inay wax u dhimayaan,

كما قال تعالى: {ويذرك والِهَتَكَ} الآية،

siduu Allaah u yiri (Asigoo noo soo gudbinaayo hadalkii ay yiraahdeen reer Fircoon) : {(Fircoonoow) Muuse wuxuu rabaa inuu kaa tago adiga iyo ilaahaagaba (Cibaadadaadaba ka tago)},

وكما قال تعالى: {إني أخاف أن يبدل دينكم}.

iyo siduu Allaah u yiri (Asigoo noo soo gudbinaayo hadalkii Fircoon): {waxaan ka cabsanayaa inuu (Muuse) bedelo Diinkiina (waa caabudida ay asiga caabudayaan)}.

 [65] : رمهيهم إياهم بانتقاص آلهة الملك في الآية.

65: mas,alada 65aad waxay tahay :ku tuuristooda ay Dadka Ahlu Xaqa ah ay dusha u saaraan in Aalihada (Baadilka ah) ee Boqorlka hoos u dhimaayaan sida aayaada ku jirtay.

 

[66] : رميهم إياهم بتبديل الدين،

66: mas,alada 66aad waxay tahay :ku tuuristooda ay Dadka Ahlu Xaqa ah ay dusha u saaraan (inay la yimaadeen) Diin bedelis (Dhaqan rogid / Dhaqan rogis),

كما قال تعالى: {إني أخاف أن يبدل دينكم أو أن يظهر في الأرض الفساد}.

siduu Allaah noo sheegay (Asigoo inooga waramaayo hadalkii Fircoon nc): {waxaan ka baqayaa inuu bedelo (Muuse)Diinkiina ama inuu Dhulka Fasaad ka muujiyo}.

[67] : رميهم إياهم بانتقاص الملك كقولهم: {ويذرك والهتك}.

67: mas,alada 66aad waxay tahay :ku tuuristooda ay Dadka Ahlu Xaqa ah ay dusha u saaraan inay hoos u dhigayaan Boqorka (ay sumcada xukunkiisa hoos u dhigayaan), siduu hadalkoodiiba ahaa : {(Fircoonoow) Muuse wuxuu rabaa inuu kaa tago adiga iyo ilaahaagaba (Cibaadadaadaba ka tago)}.

[68] : دعواهم العمل بما عندهم من الحق،

68: mas,alada 68aad waxay tahay: sheegashadooda ay sheegtaan inay ku camal falaan Xaqa ay haystaan,

كقولهم: {نؤمن بمآ أنزل علينا}، مع تركهم إياه.

sida hadalkoodii: {waxaan rumeenaynaa wixii nalagu soo dejiyay}, ayagoo ka tagaayaan (oo aan waxba ku camal falaynin ayay sheeganayaan inay ku camal falayaan).

 [69] : الزيادة في العبادة، كفعلهم يوم عاشوراء.

69: mas,alada 69aad waxay tahay: Kordhin ay Cibaadada kordhiyaan, sida samayntooda Maalinka Caashuuraa.

[70] : نقصهم منها، كتركهم الوقوف بعرفات.

70: mas,alada 70aad waxay tahay: Naaqisintooda ay Cibaadada naaqisiyaan, sida ka tegidooda ay ka tagaan Istaagida Carafaat.

 [71] : تركهم الواجب ورعاً.

71: ka tegidooda ay waajibka uga tagaan xalaal miiridnimo darteeda (waa mar marsiyo aanan jirin).

[72] : تعبدهم بترك الطيبات من الرزق.

72: ku cibaadaysigooda ay ku cibaadaystaan inay ka tagaan Rizqiga kiisa wanaagsan.

[73] : تعبدهم بترك زينة الله.

73: ku cibaadaysigooda ay ku cibaadaystaan inay ka tagaan Quruxda (Ziinada) Allaah.

[74] : دعوتهم الناس إلى الضلال بغير علم.

74: ugu yeeristooda ay Dadka ugu yeeraan Baadi Cilmi la,aan.

 [75] : دعوتهم إياهم إلى الكفر مع العلم.

75: ugu yeeristooda ay Dadka ugu yeeraan Gaalnimo ayagoo og (oo cilmi u leh inay gaalnimo ugu yeerayaan Dadka).

[76] : المكر الكُبار، كفعل قوم نوح.

76: Dhagartii waynayd, sida Ficilkii Reer Nuux.

 

[77] : أن أئمتهم إما عالم فاجر وإما عابد جاهل،

77: in hor joogayaashooda ay yihiin Caalim Faajir ah iyo Caabid (qof cibaado badan) jaahil ah,

كما في قوله: {وقد كان فريق منهم يسمعون كلام الله ثم يحرفونه من بعد ما عقلوه وهم يعلمون (*)

sida ku jirtay Qawlkii Allaah:{koox ayaga ka mid ah ayaa waxay maqlayeen Kalaamkii Allaah ka dibna way badelayaan markay garteen ka dib ayagoo og*

وإذا لقوا الذين امنوا قالوا امنا وإذا خلا بعضهم إلى بعض قالوا أتحدثونهم بما فتح الله عليكم ليحاجوكم به عند ربكم أفلا تعقلون (*)

markay la kulmaan Mu,miinta waxay dhahayaan waan rumeenay markay isku keliyoobaana waxay dhahayaan ma waxaad u sheegaysaan Mu,miniinta wuxuu Allaah idin furay si ay idin kula doodaan Rabigiina agtiisa miyaydaan wax garanaynin*

أولا يعلمون أن الله يعلم ما يسرون وما يعلنون (*)

miyaysan ogayn in Allaah uu ogyahay waxay qarsanayaan iyo waxay muujisanayaan*

ومنهم أميون لا يعلمون الكتاب إلا آماني وإن هم إلا يظنون}.

waxaa ka mid ah Ummiyiin (kuwo aanan waxba qorin waxna aqrinin)  oo aanan ka garanaynin Kitaabka yididiilo mooyee waxaan malo ahayna kuma socdaan}.

 

 

[78] : دعواهم أنهم أولياء الله من دون الناس.

78: Sheegashadooda ay sheegtaan inay yihiin Awliyada Allaah Dadka sukadooda (Awliyanimada inay Dadka kale uga sukeeyaan ayay sheegtaan).

[79] : دعواهم محبة الله مع تركهم شرعه،

79: Sheegashadooda ay sheegtaan inay Jacaylka Allaah  weliba ayagoo ka tagayaan Sharciga Allaah,

فطالبهم الله بقوله: {قل إن كنتم تحبون الله

Allaah wuxuu Qawlkiisa uga dalbaday { waxaad ku tiraahdaa (Nebi Muxammedow) hadii aad Allaah jeceshihiin

فاتبعونىيحببكم الله}.

 Aniga i soo raaca Allaahna wuu idin jeclaanayaayee}.

[80] : تمنيهم الأماني الكاذبة،

80: yididiilayntooda yididiilada Beenta ah (Rajo beenaad dhalanteed ah ay ku jiraan),

كقولهم: {لن تمسنا النار إلآ أياما معدودة}،

sida hadalkoodii ahaa:{Naar na taaban mayso maalmo kooban mooyaanee},

وقولهم: {لن يدخل الجنة إلا من كان هوداً أو نصارى}.

iyo hadalkoodii: {Janno ma galaayo qof aan Yahuud ama Nasaaro ahayn}.

 

[81] : اتخاذ قبور أنبيائهم وصالحيهم مساجد.

81: ka yeelashada ay Qabriyada Nabiyadooda iyo Saalixiintooda ay ka yeesheen Masaajido.

[82] : اتخاذ آثار أنبياءهم مساجد كما ذُكر عن عمر (4).

82: ka yeelashada ay ka yeeshteen Raadadkii Anbiyadooda Masaajido sida laga sheegay Cumar.

 [83] : اتخاذ السُرج على القبور.

83: Faynuusyo ama Nalal laga yeesho Qabriyada dushooda.

[84] : اتخاذها أعياداً.

84: Qabuuraha oo laga dhigto Ciido (kulamo joogto ah).

[85] : الذبح عند القبور.

85: Gawraca Qabuuraha agtiisa wax lagu gawraco.

[86] : التبرك بآثار المعظمين،

86: Barakaysashada Raadadka Dadka la wayneeyo

كدار الندوة، وافتخار من كانت تحت يده بذلك،

sida Daaru-Nadwa, iyo Faanid uu faano qofka ay gacantiisa ku jirto arinkaasi,

كما قيل لحكيم بن حزاك: بعت مَكرمَةَ قريش؟!

sidii lagu yiri Xakiim Binu Xazaak: waxaad iibisay Maamuuskii Quraysh?

 

فقال: ذهبت المكارم إلا التقوى (5).

Wuxuu yiri: way tagtay wax yaabihii la isku maamuusi jiray Alle ka cabsigii mooyaanee.

[87] : الفخر بالأحساب.

87: Nasabkoo lagu faano.

 [88] : الطعن في الأنساب.

88: Nasabka (Dadka) oo la duro.

[89] : الاستسقاء بالأنواء (6).

89: in lagu roob dalbo Xidiga.

[90] : النياحة.

         90: Baroorta (Tacsiyada).

[91] : أن أجل فضائلهم البغي، فذكر الله فيه ما ذكر.

91: Fadaa,ishooda (waxyaabaha ay dadka kale kaga duwan yihiin) kan ugu wayn waa Xad gudub, Allaahna wuxuu ka sheegay arinkaasi wuxuu ka sheegay.

[92] : أن أجل فضائلهم الفخر، ولو بحق، فنهي عنه.

92: Fadaa,ishooda kan ugu wayn wuxuu ahaa Nasab ku faanida, Xaq ba ha ahaado, waa laga reebay.

[93] : أن تعصب الإنسان لطائفته على الحق والباطل

93: Qofka oo ugu tacasubaayo Kooxdiisa Gar iyo Gardaro

 

أمر لا بد منه عندهم فذكر الله فيه ما ذكر.

waa arin agtooda laazim ka ah Allaahna wuxuu ka sheegay arinkaasi wuxuu ka sheegay.

[94] : أن مِن دينهم أخذ الرجل بجريمة غيره،

94: in Diintooda (Dhaqankooda) ay ka mid tahay Qofka oo loo qabsado Dambi uu galay qof kale,

فأنزل الله: { ولا تزر وازرة وزر اخرى}.

Allaah wuxuu soo dejiyay{ Nafna naf kale dambigeeda ma qaado}.

 [95] : تعيير الرجل بما في غيره

95: Qofkoo lagu ceebeeyo wax qof kale ku sugan

فقال: “أعيرته بأمه؟

wuxuu yiri Rasuulka scw “ma hooyadiisa ayaad ku ceebeesay (ceeb uga dhigtay)?

إنك امرؤ فيك جاهلية” (متفق عليه) .

Waxaad tahay qof ay ku dhex sugan tahay jaahiliyad” waxaa soo saaray Bukhaari iyo Muslim.

[96] : الافتخار بولاية البيت،

96: ku faanid lagu faano wilaayada (Maamulida) Baytka (Kacbada),

فذمهم الله بقوله: {مستكبرين به سامرا تهجرون}.

Allaah wuu ku ceebeeyey arinkaasi Qawlkiisa:{ Adinkoo isku kibrinaayo (isku weeneenaayo) Kacbada Adinkoo cawa baashaalaayo (Qur,aanka aad maad iyo madadaalo ka dhiganaysaan) adinkoo Hadal xun.

[97] : الافتخار بكونهم ذرية الانبياء،

97: ku faanid ay ku faanayaan ahaanshiyahooda ay yihiin Awlaadii Anbiyada,

فأتى الله بقوله: {تلك امة قد خلت لها ما كسبت}.

Allaahna wuxuu la yimid Qawlkiisa: { Taasina waa Ummad tagtay, waxayna mudatay waxay kasbatay, Adinkuna waxaad mudanaysaan waxaad kasbateen}.

 [98] : الافتخار بالصنائع، كفعل أهل الرحلتين على أهل الحرث.

98: Faanida ay ku faanaan Farsamooyinka, sida kuwa labada safar (Mushrikiinal-Carab)ay ugu faaneen kuwa beeraleeyda.

[99] : عظمة الدنيا في قلوبهم،

99: Waynida ay Aduunyada ay ku wayntahay Quluubtooda,

كقولهم: {وقالوا لولا نزل هذا القرآن على رجل من القريتين عظيم}.

sida Hadalkoodii ahaa: { waxay dhaheen gaaladii maxaa loogu soo dejin waayey Quraankaan Nin degan mid ka mid ah labada Magaalo oo wayn}.

 [100] : التحكم على الله، كما في الآية السابقة.

100: Xukumid Allaah la xukumo sida ku xusan Aayadii aan soo dhaafnay.

 [101] : ازدراء الفقراء، فأتاهم بقوله:

101: Faqiiriintoo la xaqiro, wuxuu ula yimid Nabiga scw

{ولا تطرد الذين يدعون ربهم بالغداة والعشي}.

Qawlkii Allaah: { ha eryin (ha burinin) kuwa caabuda Rabigooda Aroortii iyo Galabkiiba}.

[102] : رميهم أتباع الرسل

102: Tuuristooda ay ku tuuraan kuwa raacay Rususha

بعدم الإخلاص وطلب الدنيا،

inaysan lahayn Ikhlaas ( Dar Allaah), iyo Aduunyo raadis,

فأجابهم بقوله: {ما عليك من حسابهم من شئ} الآية وأمثالها.

Allaah wuxuu ugu jawaabay kuwaasi Qawlkiisa: {kuma saarna xisaabtooda waxba} aayada iyo wixii la mid ah.

[103] : الكفر بالملائكة.

103: Malaa,igta oo lagu gaaloobo.

[104] : الكفر بالرسل.

104: Rususha oo lagu gaaloobo.

[105] : الكفر بالكتب.

105: Kutubta oo lagu gaaloobo.

[106] : الإعراض عما جاء عن الله.

106: ka jeesasho laga jeesto wixii ka yimid xaga Allaah.

[107] : الكفر باليوم الآخر.

107: Maalinta Aakhiro oo lagu gaaloobo.

[108] : التكذيب بلقاء الله.

108: Beenin la beeniyo la kulanka Allaah.

[109] : التكذيب ببعض ما أخبرت به الرسل عن اليوم الآخر،

109:Beenin la beeniyo qaar ka mid ah wixii ay Rususha ka sheegtay Maalinta Aakhiro,

كما في قوله: {أولئك الذين كفروا بـ ء ـايات ربهم ولقآئه}،

sida ku xusan Qawlka Allaah{ Kuwaasi waa kuwa ku gaaloobay Aayaatka Rabigooda iyo La kulankiisa},

ومنها التكذيب بقوله: {مالك يوم الدين}،

waxaa ka mid ah beeninta qawlka Allaah ee ah: { Boqorka Maalinta Abaal-marinta},

وقوله: {لا بيع فيه ولا خلة ولا شفاعة}،

iyo Qawlka Allaah: { (Maalinta Qiyaamaha) oo aan jirin gadasho iyo saaxiibtinimo iyo shafeeco (midna)},

وقوله: {إلا من شهد بالحق وهم يعلمون}.

iyo Qawlkii Allaah:{Cid ka marqaati kacday mooyaanee ayagoo Cilmi u leh}.

 [110] : قتل الذين يأمرون بالقسط من الناس.

110: Dilid la dilo Dadka kuwooda Cadaalada faro.

[111] : اٌيمان بالجبت والطاغوت.

111: Rumayn la rumeeyo Sixirka iyo Shaydaanka.

[112]: تفضيل دين المشركين على دين المسلمين.

112: Diinta Gaalada oo laga fiicnaysiiyo Diinta Muslimiinta.

[113] : لبس الحق بالباطل.

113: Xaqoo la dhex geliyo Baadilka.

 [114] : كتمان الحق مع العلم به.

114: Xaqoo la qariyo weliba iyadoo Cilmi loo leeyahay (oo la og yahay waxaan la qarinaayo inay xaq yihiin).

[115] : قاعدة الضلال، وهي القول على الله بلا علم.

115: Qaacidada Baadida oo ah in Allaah wax laga sheego Cilmi la,aan (sida in la dhaho Allaah ayaa dhahay, wax uusan Allaah dhihin) .

 [116] : التناقض الواضح لما كذبوا بالحق،

116: Isburinta  iska cad markay xaqa beeniyeen,

كما قال تعالى: {بل كذبوا بالحق لما جاءهم فهم في أمر مريج}.

siduu Allaah koreeyee u yiri:{ Bal waxay beeniyeen Xaqii markuu u yimid waxayna ku dhex sugan yihiin arin is dhex yaacsan}.

[117] : الإيمان ببعض المنزل دون بعض.

117: in la rumeeyo Kutubka la soo dejiyey qaarkooda qaarna aanan la rumeenin.

 [118]:محاجتهم فيما ليس لهم به علم .

118: Doodooda ay ku doodaan waxaysan Cilmi u lahayn.

[119] : التفريق بين الرسل.

119: Rususha oo la kala saaro.

[120] : دعواهم اتباع السلف مع التصريح بمخالفتهم.

120: Sheegashadooda ay sheegtaan inay raacsan yihiin Salafkii suubanaa weliba ayagoo cadeenaayaan inay dhinac marsan yihiin Salafkii.

[121]: صدهم عن سبيل الله من آمن به.

121: ka reebitaankooda ay Dadka ka reebaan Wadadii Allaah Cidii Allaah rumeesay.

[122] : مودتهم الكفر والكافرين.

122: Jacaylkooda ay u qabaan Gaalnimo iyo Gaalo.

 [123] : العيافة .

123: Shimbirka oo la kiciyo.

[124] : الطرق .

124: Faalka.

[125] : الطيرة .

125: Baaseesiga.

[126] : الكهانة .

126: kitaab gaabloownimada.

[127] : التحاكم إلى الطاغوت . 

127: Daaguutka oo loo xukun tago (wax kasta oo Allaah ka soo haray oo loo xukun tago).

[128] : وكراهة التزويج بين العيدين .

128: iyo necbaysasho la necbaysto in la guursado labada Ciidood inta u  dhexaysa.

والله أعلم
وصلى الله على محمد وعلى آل محمد وصحبه وسلم.

Allaah ayaana Ogaan badan, Nabad galyo iyo Naxariis /Amaan Nabi Muxammed dushiisa iyo Ahalkiisa iyo Asaxaabtiisa ha ahaato.

Walaalahayga aan Islaamka ku walaalawnayow Kitaabkii Masaa,ilul Jaahiliyah meeshaani ayuu noogu dhamaaday, wixii aan haleelay sax iyo wanaag ah Allaah ayaa ii sakhiray, wixii aan dhinac maray oo aan khaldayna waxay ka timid Nafsadayda gaabiska badan, Camal kasta oo Rabi raali ka yahay oo aan samaynaynana mid aan Allaah Ridahiisa ku dalbeeno Allaah nooga dhigo, intaasi ka dib wixii aan baranay ku camal falkooda ayaa ina hor yaalo hada iyo wixii ka dambeeyo iyo inayno Dadka gaarsiino wixii aan baranay iyo inaynu ku sabarno wixii caqabado ah oo aynu kala kulano Arinkaasi.

Waa walaalkiina aad Diinta ku walaalawdeen Muxammed Aadam Ibraahim oo idinka dalbanaayo inaad Allaah uga baridaan Asiga iyo Ahalkiisa inuu waafajiyo Aduun iyo Aakhiro wuxuu Allaah raali ka yahay  Ayagana ay Raali ka yihiin.

Wixii su’aal, sixid ama suluugmo ah oo ku saabsan Kitaabkan fadlan ku soo hagaaji emailkan :  shaakir123@hotmail.com

والله أعلم، وصلى الله على محمد وآله وصحبه وسلم

 

 

Laheystayaal

Cabdullaahi Janno

claahijanno@gmail.com


Magaceyga kuuma sheegayo. Waxaadse ii taqaannaa si qoto dheer. Si ka qoto dheer aqoonta aad adigu isku leedahay. Qabiil aanan ku jirin wuu yar yahay. Waxaan kuu ahay xiddig. Waxaad ii tahay laheyste. Danahaaga ayaad igu aamintay. Oo ammaan iigu dartay. Mowqif iyo mabda’ ma lihi—oo daneyste ayaan ahay. Nasiib wanaag, waa adiga cidda magac iyo karaamo ii yeeshay. Waa adiga cidda aan awrka ku kacsado. Ku daneysto. Haa, waa adiga shacabka ah cidda i garab taagan. I buunbuuniso. Ii doodda. Geesinnimo aanan anigu laheyn igu abuurtay. Waa adiga shacabka ah cidda magaceyga faafiso. Sheegsheegto. Faaniso. Waddani iigu yeerto. Geesi iigu yeerto. Mujaahid iigu yeerto.
Alleylehe waxaa jiro kuwo caqli leh, oo si dhab ah u og inaan ahay tuug. Qaa’in. Beenaale. Dilaa. Dagaal-ooge. Qabqable. Daalim. Misana way isaga key hiilliyaan. Way ii nacamleeyaan. Way ii sacabo-tumaan. Way ii jidboodaan. Ii geeraaraan. Sawirro ila galaan. Oo caleemo qoyanna ii lulaan. Ogow, iskama abuurmin. Waxaa i abuuray shacabka. Oo i naaxiyay. Oo aan ku tiirsanahay. Waxa ayna shacabku nafaqo iiga dhigaan xasadka iyo dulmiga. Markaasaan sii dhiirradaa aniguna.
Ma kuu sheegaa sirta aad iigu noqotay laheyste? I dhageyso. I dhuux. Xitaa haddii aan kuu sheego sirta aan kugu xukumo, cabsi kama qabo dhankaaga. Xasuusnow, waad i boqortay. Hoggaan iga dhigatay. Igu aamintay codkaaga. Igu aamintay aayaha reerka iyo caruurtaada. Inta aan qabiil kale dulminayo waxaan agtaada ka ahay shariif. Awliyo. Halyeey. Xaaji. Waddani. Hoggaamiye. Sheekh.
Bal aan ku noqdo sirta aad laheystayaal iigu noqoteen. Hana hilmaamin anigu kalsooni iskuma qabo. Waxaan ahay fuley. Hayeeshee shicibka adigoo kale ah ayaa ii hiilliya. Waa su’aalee sideen kuugu noqday xiddig? Sidee adiguna laheyste iigu noqotay?
Jawaabtu waa sahal. Lix qolo ayaan ku tiirsanahay. Hiilna iigu deeqay—adigana kaa hiilliyay.
Kow, aqoonyahan ayaa garab ii ah. Waxay igu difaacaan qoraallo iyo wareysiyo ay qiil ugu bixinayaan waallida aan ku dhaqmayo. Haddii aan wax laayo ama dibindaabiyo, waxay ii bixiyaan cudurdaar. Waxay igu tilmaamaan hoggaamiye fiiro dheer leh, oo dadkiisa iyo dalkiisa jecel. Waddani ah.
Labo, wadaaddo ayaa aayado iyo xaddiisyo qiil iigu bixiyo. Hadii aan dhintana janaasadeyda u tartamaya, dunidana ku faafinaya inaan ahaa mujaahid shahiid ah.
Saddex, rag abwaanno ah ayaa ii geeraaro. Sidii qof xaaji ah ii qaddariyo. Wanaag inaan sameeyay ii qiro. Danta shacabka inaan hormuud u ahayna igu ammaano. Waxay sidoo kale iga difaacaan abwaannada kale ee i dhaleeceeyo.
Afar, hablo ayaa buraanbur iigu mashxarado. Ii alalaaso. Ii duceeyo. Iigu xadreeyo inaan ahay geesi. Lib aan mudanna i siinaya. Waxay igu ammaanaan laandheerinimo. Halyeynimo. Cad-goosi. Ragannimo. Cajiib!
Shan,weriyayaal badan ayaa awliyo iga dhigo. Waxay igu sheegsheegaan mareegyada wararka ee qabiilka. Oo gefkayga ka dhigaan mid xaq ah. Dan ah. Dadkii aan dulmiyay ayay qalinka ku sii dulmiyaan—eeddana dusha uga tuuraan. Dulmigii aan geystayna qalinka ayay ku asturaan, oo ii xulaan ereyo dabacsan. Sawirradeyda ayay maalin walba soo dhejiyaan sidii inaan ahay qof jiro oo waxtar leh.
Lix, dhallinyaro caadifadeysan ayaa sawirkeyga iyo hadalkeygaba ku faafiso facebook iyo youtube. Oo intaas i ammaanaya. I difaacaya. Oo ii nacamleeya. Wanaag aan anigu isku aqoonna igu sheego.
Xaasha!
Soo ma aragtid, in aad laheytayaal ii tihiin? Waxaan ahay gardarro garab og. Miskiin. Nin hiil leh ayaan ahay. Cidda ii hiillisayna waa adiga shacabka ah. Cidda aad ka hiillisayna waa nafsaddaada—dantaada. Aayahaaga. Jiritaankaaga. Karaamadaada. Sirta aan kaaga adkaaday waa middaas. Waana ogahay waxba igama qaadi kartid. See wax iiga qaadi kartaa? Ma leedahay awood? Miskiin. Labaatan iyo saddex sano ayaad laheyste ii tahay. Heeryada ku saaran sidee isaga rogeysaa? Iga filo inaan sir labaad kuu sheego mar dhow—kolleyba waan hubaa inaadan waxba iga qaadi karin,e. Miskiin.
Mid xasuuso: aadunuhu wuxuu nafsad ahaan iska jecel yahay inuu muuqdo, oo uu tartamo, oo la sheegsheego. Dunida hormartay, nin walba takhasuskiisa iyo waxqabadkiisa ayuu ku muuqdaa oo abaal-marinno lagu siiyaa. Mid baa aqoonta ku qaato abaalmarinta Nobel Prize-ka; mid baa ku soo caan-baxo tartanka ciyaaraha; mid baa ku soo caan-baxo hindisidda wax cusub sida Facebook; mid baa ku soo caan-baxo inuu quuso badaha salkooda; mid baa ku soo caan-baxo tafidda buuraha dhaadheer; mid kalaa ku soo caan-baxo inuu duur-joogta daraaseeyo; midna dhanka fanka iyo farshaxanka. Annaguse Soomaali ahaan hal meel ayaa si’aad ah looga muuqdaa waayahan danbe: waana siyaasadda.
Nasiib darro, anigu kuma soo shaac bixin siyaasad wanaag iyo qaran dhisid. Hawlahaasi aqoon uma lihi. Anigu waxaan ku soo caan baxay inaan huriyo colaad. Inaan adeegsado ereyga looma dhamma. Inaan xasdo oo farta ku fiiqo xumaanta qabiillada kale. Inaan ku gooddiyo oo gurbaanka u tumo colaad sokeeye.
Ma kuu sheegaa wax iga yaabshay? Waxaa iga yaabshay inaad ii hiillisay. Oo aad ii soo qaaraantay. Oo aad curadkaagii labaatan jirka ahaa ciidan iiga dhigtay adigoo og inaan qabri u wado. Adigoo og inaan duur cidlo ah kaga carari doono dhaawaciisa. Adigoo og in meydkiisa ay haaddu feenan doonto. Adigoo og inaan daneyste ahay oo aanan kala jecleyn wiilka ii dagaallamayo iyo xaar-walwaalka. Miskiin! Illeyn sagaaro ima barato.
Nasiib wanaag, iskuma xishootid. Oo ma waantoowdid. Oo caqliga kama shaqeysid. Oo weliba adigoo og inaan shalay duur uga soo cararay dhaawacii wiilkaaga ayaad misana maanta walaalkiisii ka yaraa ciidan iiga dhigeysaa. Oo sabab? Ma caqligaad la’dahay? Haddii aan shalay wiilkaagii dagaal u kaxeeyay, maad i yureysid? Oo ila xisaabtantid? Maxaad iigu hibeynaysaa wiil kale? Soo hooyo ma foolan? Soo isaguna uma laqman doono sidii walaalkiis shalay? Maya, caqliga ma li’id. Ee qalbadda ayaad la’dahay. Qalbadda? Sidee?
Halkii aad aniga ii caroon laheyd, oo aad igu eedeyn laheyd dhimashada wiilkaaga, waxaad caro iyo cuqdad u sii qaadeysaa qabiilkii uu wiilkaagu la dagaallamay. Waa sidaan rabayee markaasaan aniguna sii dhiirradaa. Oo idaacadaha ka dhaartaa. Oo colaad cusub huriyaa. Oo durbaan dagaal garaacaa. Saa mar labaad iyo mar saddexaad iyo mar kunaad ayaad wiilashaada iiga dhigtaa ciidan. Weliba adigoo raalli ah. Miskiin. Laheystayaal weligood ma xoroobaan. Anigu kama daallo inaan colaad huriyo, adiguna kama daashid inaad iigu taageertid. Oo xaggee iiga hareysaa? Miyaadba iga hari kartaa? Fiqi tolkii kama janno tago—waa murti Soomaaliyeed.
Bal eeg, qasaare waxaan aheyn igama dheeftid. Halkii aan Soomaalida isku keeni lahaa, aniga ayaa sii kala didiya. Halka aan qaranka dhisi lahaa, waan sii kala furfuraa—ama aan siyaasad ku kala furfuro ama aan qori ku kala furfuro. Halkii aan wax ka qaban lahaa barakacayaasha xerooyinka daadsan, aniga ayaaba abuuro barakacayaal cusub. Idinka shicibka ahina waad igu taageertiin. Keliya waxaa un idiin muuqdo nabarka aan gaarsiinayo qabiil kale. Hayeeshee ugu danbeyntii cidda uu wiilku ka dhintay waa adiga. Cidda ay degmo ama tuulo ka gubatay waa adiga. Cidda ay lacag iyo waqti ka luntay waa adiga. Miskiin laheyste ah. Markii aan arko inaad baabah ku noqotay colaad aan dan ku watay, waxaan ka hadlaa idaacadaha. Oo aan beesha caalamka ka baryaa in ay gargaar u fidiso barakacayaashiinna. Markaasaad halkii aad ila xisaabtami laheydeen ayaad iigu deeqdaan ammaan iyo bogaadin ku aaddan hadalka aan
idaacadda ka sii daayay. Markaas ayay rajo cusub i soo gashaa. Rajo ah in weli aad laheystayaal ii sii noqon kartaan. Ebed.
Bal eeg qasaarooyinka aan idiin geystay gudaha iyo qurbahaba. Weligaase ma is weyddiisay dhibta aan kuu geystay adiga shicibka ah?
Kow, qaxooti ayaan ka dhex abuuray dalkii gudihiisa. Caruur iyo cirroole ayaa barakacayaal ku ah xerooyin dalka gudihiisa ku yaallo. Waa dad Muslimiin ah. Misana Soomaali ka sii ah. Waxaad oggolaateen in ay dadkaasi beylah u noqdaan cudurro, dhaxan, gaajo, roobab, iyo kufsi. Kamana danqataan.
Labo, dalkii ayaan curyaamiyay dhan walba. Oo dunida ka reebay. Magac-xumana u soo jiiday.
Saddex, dhallinyaradii ayaan ku qasbay inay tahriibaan maadaama aan ka burburiyay dalkoodii.
Afar, dhallinyartii aan u qixiyay qurbaha waxaa qaar lagu addoonsadaa Yemen; qaar waxaa lagu laayay Liibiya; qaar badda ayaa liqday; qaar waxaa lagu gubaa South Africa; qaar waxay ku jiraan xabsiyada Giriigga; qaar kalena ku dayacan yihiin waddooyinka dalka Talyaaniga. Waxaan idin gaarsiiyay heer aan idinku sharfo in la yiraahdo xeryaha qaxooti ee dunida ugu weyn ee Dhadhaab waxaa deggan Soomaali. Kolleyba waan ogahayoo ceeb idinma karto. Indhihiinnu waxay ku sii jeedaan xifaaltan qabiil iyo iska dhici reer hebel. Ishiinu ma qabato meel shishe—meel sokeeyena ma dhaafto.
Shan, waxaan diiday inuu dhasho qaran Soomaaliyeed. Waddankiina waxaan ka dhigay bahalo-galeen illaa ay abuurantay al-Shabaab oo dhulkii fasahaadisay iyo shisheeye miirtay kheyraadkii dalka.
Lix, waxaan qiimo-beel ku riday dadnimadii muwaadinka Soomaaliyeed. Bal eeg, markuu qaran helay ayuu Cabdi Bile wacdarro ka muujiyay tartanka oroddada adduunka. Bal eeg, markuu qaran helay ayuu Mo Farah guul u soo hoyay dalka Ingiriiska. Bal eeg, markuu qaran helay ayuu Magan Daahir Yuusuf wacdarro ka muujiyay ciyaaraha kubadda miiska ee dalka Holland. Dhallinyaradaas guusha waxaa ugu wacnaa dowladaha ay ku tiirsanaayeen, kuna hoos noolaayeen. Taas caksigeeda, bal eeg dhallinyaradii Soomaaliya uga qeyb-galay ciyaarihii oroddada Olimbikada ee 2012 iyo London. Bal eeg ciyaarihii Olimbikada 2008 iyo China. Dhallinyaradii mataleysay dalka Soomaaliya waxaan ka dhigay dad lagu maadeysto. Qaran soo saaro ma’aysan heysanin. Anigaa u diiday—idinka shacabka ahna waad igu garab gasheen. Kuna mahadsanidiin.
Todobo, waxaan ku guuleystay in dalka Soomaaliya uu noqdo dal ay daashadeen gaajo iyo jahli. Dhallinyaro badan ayaan mustaqbalkooda mugdi geliyay. Xitaa kuwii waxbarasho helayna waxa aysan helin tacliin tayo leh oo gaarsiisa heer ay ku fikiraan. Ama ay ku hantaan aayahooda.
Dhibaatooyin intaa ka badan ayaan si toos ah iyo si dadban ugu geystay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Welina waad i garab taagan tihiin. Oo i rabtaan. Qiilna ii bixisaan. Cajiib!
Waa su’aalee, miyuusan idinku jirin shaqsi fariid ah? Qof fariid ah oo iga qabta dulmiga aan idinku hayo? Dulmiga aan ku hayo naftiinna? Maalkiinna? Iyo magaciinnaba? Maad eegtaan sida aan dunida idiinkaga reebay? Oo aad uga harteen faciinna? Oo dhashiinna ay rubuc qarni dib u dhacday? Maya, maba idinka filayo inaad fahantaan dhibka aan idinku hayo. Ma idinkaaba awoodi karo inaad i qabataan? Ila xisaabtantaan? Miskiin. Dad laheystayaal ah awood ma leeyihiin? Dad uu qalbigu xasad la miriray dantooda ma gartaan? Aayahooda ma ceynsadaan? Karaamo ma yeeshaan?
Habraha iyo odayaasha waaba gartayee, maxaan ku mutay inuu ii hiilliyo wiil dhallinyaro ah? Oo labaatan jir ah? Bal eeg, iskool uma dhisin. Shaqo uma abuurin. Ceel uma qodin. Nabad uma oggoli. Tahriib kama baajiyo. Qaxootinnimo kama badbaadiyo. Reer iyo guri uma dhiso. Karaamo iyo magac uma yeelo. Waa nasiib wanaaggeygee maxaan ku mutay hiisha dhallinyarada? Shalay walaalkiis ayaan dagaal uga soo dilay. Maantana isaga ayaa ciidan ii ah—oo i garab taagan.
Waa sidaan sheegayoo aniga ayaa nasiib wanaagsan. Oo nasiib u helay shacab aan ila xisaabtamin. Shacab i kaalmeeyo. Shacab keliya un arko wixii aan farta ugu fiiqo oo ah reer hebel aynu iska dhicinno. Intaas un ayay ku qancaan. Oo igu daba feellaan. Igu boqraan. Ima dhahaan cisbitaallo inoo dhis. Ima dhahaan jaamacado inoo dhis. Ima dhahaan shaqo noo abuur. Ima dhahaan amniga noo adkee. Dantoodana iguma soo qaadaan. Fiicanaa! Su’aashu waxay tahay, qof laheyste ah miyuu khiyaar leeyahay? Iyo talo? Iyo cod?
Ogow wiilasheyda midna kuma dhinto dagaalka. Wiilal kale ayaan sidii xaabada ku guraa colaadda. Markaasaan misana dhaawacooda cisbitaalka ku booqdaa anigoo taay iyo suut madow xiran. Oo aan isku soo sawiraa. Oo aan isaga dhigaa hoggaamiye danqanaya. Ka dibna waxaa abaal-gud la iiga dhigaa jago. Oo waxaaba la sii qiraa jiritaankeyga. Oo waaba la i sii aqoonsadaa. Miskiin fowqal miskiin. Illeyn sagaaro ima barato.
Xildhibaan noqdayaa, jeneraal ciidan noqdayaa, wasiir noqdayaa, madaxweyne goboleed noqdayaa, madaxweyne qaran noqdayaa….shacabku iima waayaan jago ay igu abaal-gudaan. Alla maxaad riixdeen mid fariid ahaa oo wax idin tari lahaa. Oo watay fikir qaran iyo badbaado dad. Wiilka idinkaga dhinto colaadda, gabadha la kufsado, cirroolaha barakacayo, iyo agoonta macluusha ah ee indhuhu uu duqsigu ka leefayo waxaad ka jeceshihiin anigoo jago helo. Deeqsinimo idinkama ahanee xumeynta qabiil kale ayaa idiin muuqdo.
Bal eega, waxaad maalin walba maqashaan in xilka uusan qof walba u qalmin. Nebi Muxamed calayhi salaatu wasalaam waa tuu mar asxaabigii Abuu Dar ka reebay inuu jago qabto. Wuxuuna nebigu sabab uga dhigay in asxaabigaasi uusan ka bixi karin hawshaa culus. Idinka shacabka Soomaaliyeed ahna aniga oo qabiiliiste daalim ah ayaaad xil aanan u qalmin iigu abaal-guddeen idinkoo ku xumeynaya qabiil kale. Maxaa taa ka dhashay? Waxaa ka dhashay inaad laheystayaal ii noqotaan. Dunidana ka hartaan. Bil xaqiiqan, anigoo kale dunida waxaan ku jiraa cisbitaallada waallida ama xabsiyada aadka loo ilaaliyo. Soomaaliyase boqor ayaad iga dhigteen. Kii fariidka ahaana gablan ayaad ka dhigteen.
Shacabka Soomaaliyeedow waxaad i siiseen fursado aan dunida laga helin. Fursado aan laga helin meel sharci iyo kala danbeyn ka jirto. Fursado ayaad i siiseen uu qaa’in anigoo kale ahi ku naaxo; kii daacadda ahaana uu wax ku seego. Aqoonyahanka ila shaqeysto ayaan ka maqlay iyagoo hadal haaya nin la yiraahdo George Herbert. Wuxuu ninkaasi yiri: colaaddu tuugo ayay abuurtaa; nabadduna way daldashaa (war creates thieves, peace hangs them). Nasiib wanaag, aqoonyahanka ila shaqeysto aniga way i daahiraan, oo danbi-laawe iga dhigaan. Waxayse tuugo u yaqaaniin rag kale oo qabiillo kale ka dhashay. Fiicanaa!
Madaxda ajnabiga ah ee ku nool dunida kale, waa ka qatan yihiin nasiibka aan ka helay shacabka Soomaaliyeed ee casrigaan. Bal eeg, aniga cid ila xisaabtanto ma jirto. Madaxda dunida hormartay waxaa la xisaabtamo shacabkooda. Oo yiraahdo aan ku doorannee caruurta iskoollo ma u dhistay? Caafimaadka tayadiisa sare ma u qaadday? Shaqooyin cusub ma abuurtay? Jidad cusub ma dhistay? Caddaaladda ma hormarisay? Cadowga qarankeenna ma naga difaaci kartaa?
Anigase shacabkeygu waxay ku mashquuleen reer hebel wallee xabbadda ayaa taqaan. Reer hebel hala iska qabto. Markaasay aqoonyahankii, wadaaddadii, abwaannadii, weriyayaashii, odayaashii, iyo dhallinyartii igu daba feelaan. Aniguna waa sidaan rabayee fitnada ayaan sii huriyaa. Oo buunbuuniyaa. Oo aan idaacadaha ka dhahaa looma dhamma ama ku marmarsiyoodaa ereyada rabitaanka shacabka. Sidaas ayaana garab ku helaa. Kuna hantaa laheystayaal dhoohanayaal ah. Masaakiin. Laheystayaal aan ila xisaabtamin. Ha hilmaamin, anigoo kale waxaa laga helayaa badi qabiillada Soomaaliyeed. Oo aan u ahay halyeey iyo hoggaamiye.
Kaaga sii daranee uma baxsataan badi aqoonyahankii qurbaha wax ku soo bartay. Qarankana way gabeen. Aqoonyahanku waxay u kala baxaan saddex qeybood. Kow, kuwo qabiil igu taageero oo aan dalka anficin. Labo, kuwo aqoontooda ku shaqeysto, oo aan faraha ila soo gelin—xaqana u hiillin, dulmigana ka dhiidhiyin. Saddex, kuwo ka faanay sheegashada magaca Soomaali oo ku dhex milmay qowmiyado kale. Halhalkoo fariid ah wuu jiraa oo jecel dalkiisa inuu anfaco. Hayeeshee wuu harqaday. Oo ku harqaday mowjadaha shacab diiddan waxqabadkiisa. Shacab uu ka lumay qiyaaskii qarannimo iyo miyirkii Soomaalinimo. Fariidkaas aniga ayaa ka hortaagan inuu soo galo arrimaha Soomaaliya—adiga shacabka ahna waad igu taageertay hawshaas.
Bil xaqiiqan, waxaan ogaaday in beel iyo beled la dhiso waxaa ka sahlan in beledka la burburiyo, beelaha degganna la barakiciyo. Ogow sidaas waa sidaan rabay waayo anigu maba aqaan sida wax loo dhiso. Shacabku waxay laheystayaal iigu yihiin inaan mar walba u abuuro xasarad iyo colaad cusub. Oo aan qabiillo kale faraha ku fiiqo. Oo aan eedda dusha uga rido meelo kale. Markaaseey i aamminaan. Ii nacamleeyaan. Maxaase iga galay? Danteydu waa un jago iyo dhuuni hel. Maxaa iga galay wiilka dhimanaya? Murti Afrikaan ah baa oraneysay: haddii aad aragtid oday ku dul fadhiyo maqaar shabeel, ogow waxaa shabeelka u soo dilay wiil dhallinyaro ah. Qaran burburay maxaa iga galay? Jago un ii sheeg. Kursi. Kursi. Kursi.
Ogaada Soomaaliyeey, daaro burburay iyo dhaqaale hoos u dhacay kuma koobna qasaaraha aan idin gaarsiiyay. Maya, intaas wuu ka qoto dheer yahay. Waxyaalaha aan ku guuleystay waxaa ugu weyn waa inaan kala dilay, oo isku diray, oo aan naceyb iyo colaad dhex dhigay shacab isku af ah. Isku diin ah. Isku diir ah. Dunidu way ku diimaan oo ay ku faani lahaayeen haddii ay heli lahaayeen shacab annagoo kale ah. Hayeeshee anigu waxaan ku guuleystay inaan baabi’iyo oo ay Soomaalidu ku kala tagto wixii qaaska u ahaa shacab ahaan oo ay ugu weyn yihiin afka, diinta, dhaqanka, iyo muuqaba. Cajiib. War miyuusan idinku jirin qof fariid ah oo i qabto? Way jiraan fariid iyo fariidad. Hayeeshee adiga shacabka ah ayaa u diiday hoggaanka—anigana igu soo daba feelay. Qaar fariidka ka mid ahna waxaadba u dishaan aano qabiil ama fatwo shabaab. Miskiin.
Dr. Calaawi oo ah caalim Soomaaliyeed ayaa mar la weyddiiyay sababka ay Soomaalidu isugu baaba’day. Run badanaa, bal eeg jawaabtiisa: “Dadka kale waxay doondoonaan waxay KU HESHIIYAAN; annagu Soomaali haddaanu nahay waxaan doondoonnaa waxaan ISKU DIIDNO”! Waa runtiisa—waa aniga cidda ku guuleysatay kala dilka ummad isku af iyo dhaqan iyo diin iyo muuqba ah. Wada-hadal iyo xal waaro waxaan ka jeclahay colaad iyo xasarad iyo jahwareer. Sababtu waxay tahay haddii nabad la helo, dadku way miyirsanayaan. Haddii ay
shacabku miyirsadaanna waxay ku baraarugayaan inaan anigu ahay cadowgooda koowaad. Labaad. Saddexaad…..iyo kunaadba.
Anigu buugaagta ma akhriyo—xitaa si saani ah wax uma qori karo. Hayeeshee aqoonyahan baan ku tiirsanahay. Intaas way i ag joogaan, oo iska kay dhisaan. Oo jago igu gaadayaan. Qaar baa buugaag waaweyn intaas xambaarsan. Mararka qaarkood waxaan maqlaa iyagoo ka sheekeynaya buugaag la qoray. Bal aan dhowr ka soo qaato. Iska kay dhageyso kolleyba uma maleynayo inuu buug ku beddeli karo. Waa sir lid igu ah. Hayeeshee misana kuguma ogi dadnimo iyo karti aad heeryada ku saaran isaga riddid. Bal ila arag buugaagta aan ka maqlay aqoonyahanka daba-dhilifka ii ah.
Buuggii Dagaal Waa Ka Dare (2004) ee Yaasiin Ciise Wardheere ayaa idin waaniyay. Wuxuu idin yiri dadku waa saddex nooc: mid cunno ah; mid daawo ah; iyo mid sun ah. Kan cunnada ah waa hoggaamiyaha mar walba loo baahan yahay, oo bulshadiisa anfaco maalin walba sidii cunnada. Kan daawada ah waa midka xalka looga baahdo markay dhibtu timaaddo. Kan sunta ahina waa midka shacabka walaalaha ah kala dilo, oo qaarna ka dhigo kuwo eeganaya kaalmo shisheeye, qaar kalena ka dhigo kuwo qurbaha ku tabaaleysan. Run ma aqaan, laakiin ogaada anigu kuma jiro labada hore oo ma ihi xalka Soomaaliya.
Buuggii Waa Sirgaxannee Sax Ma Jirinnaa? (2006) ee Khaliif Ashkir Diini wuxuu ku baaqay in laga koro dhaqanka xun ee dagaallada laga dhaxlay—iyo qabyaaladda. Dhaqankaasi wuxuu keenay qasaare xun. Wuxuu qoraagu yiri: “Soomaalida waqtigeedii wuxuu ku dhammaaday shalay oo ay raadineysay xorriyadda iyo maanta oo ay raadineyso dowladnimadeedii.” Run badanaa! Wuxuu kaloo Soomaalida u kala saaray labo qeybood: “Keli-wanaag” iyo “Kulli-xume.” Sifooyinku mid waa bogaadin; midna dhaliil. “Keli-wanaag”: wuxuu qoraagu ku bogaadiyay shaqsiga Soomaaliga ah “firfircoonaan, deeqsinimo, waxgaradnimo” iwm. Macnaha shaqsiga Soomaaliga ahi waa qof jiro oo karti iyo garasho leh. Dhanka kale, “kulli-xume” wuxuu qoraagu ku sifeeyay shacab caado ka dhigtay “dareen la’aan, waddaninimo xumo, fiiro gaabnimo” iwm. Cidina dheg jalaq uma siinin waanadiisa iyo talo-bixintiisa. Aniguna waaba sidaan doonayay. Waan ka tanaaday—oo ka taajiray “kulli-xumenimada” shacabka. Wada-tashi iyo towfiiqna u diiday. Buuggii Dal Dad Waayay iyo Duni Damiir Beeshay (2004) ee Dr. Maxamed Daahir Afrax wuxuu ka dhawaajiyay in laga yaabee ay shacabka Soomaalidu wada waasheen. Dal aysan u danqaneyn dadkii lahaa ma dad fiyow baa? Waa su’aal uu qoraagu dhex dhigay Soomaalida. Dheg jalaq looma siinin taladiisa. Durbaanka ayaad ii tunteen haddaad shacab tihiin. Markaasaan aniguna dunida idinka reebay. Wuxuu sidoo kale qoraagu xusay in shacabka
Soomaaliyeed laga la’yahay dad fariid ah oo buuxiyo saddex kaalimood oo muhiim u ah danahooda iyo jiritaankooda—kaalimaha kala ah: gar-wadeenka siyaasadda; gar-wadeenka fikirka, iyo gar-wadeenka dhaqaalaha. Isma faaninayo, hayeeshee aniga ayay i difaacaan dadkii gar-wadeenka idiin noqon lahaa. Laheystayaal ayay ii noqdeen. Ma ka heshay?
Tixdii Cabdullaahi Timacadde ayaa dhegihiinna ka buuxdo: Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane. Keliya waxa aad tixdaas soo qaadataan markii aad dooneysaan inaad durtaan qabiil kale—hayeeshee idinka kuma dhaqantaan. Anigii burburka iyo qabyaaladda hormuudka ka ahaana igu daba feeshaan. Oo dulmiga aan wado qiil ayaad u bixisaan—umana aragtaan inaan qabiileeste ahay. Iga dheh la jiifshaanna bannaan.
Soomaaliyeey Toosoo / Toosoo isku Tiirsada ee / Hadba kiina taag daranee / Taageera weligiinnee—waa hees aad ii qaaddaan markaan qurbaha idinku soo booqdo. Calamo ayaad ii lushaan. Haddii aad ahaan laheydeen shacab taageero kooda taagta darran, ima aydaan soo dhaweysateen. Oo waa hore ayaad i yureyn laheydeen. Kuwa taagta daranna u hiillin laheydeen. Sidoo kalena maydaan taageerteen foor boonti faayf (4.5).
Abshir Bacadle waa tuu idinka yaabay, oo uu tixdiisii la magac baxday Qabyaalad ku yiri: kama quusto kheyrkee dadkuna igama qaataane. Oo sidee kheyrka ku qaadaneysaan idinkoo aniga gurbaanka ii tumaya? Oo iigu yeero halyeey? Waddani? Hoggaamiye? Inaan hoggaamiye noqdo oo aan dantiina garto iska daayee shacabyahow wallaahi aniga xitaa ma aqaan waxa aan doonayo. Hayeeshee ma doonayo midnimada shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah. Kaagamana sheekeenayo qasaaraha aan kuu keenay. Waxaan sababay in aan abuuro singal maadaro ku dayacan qurbaha; Soomaali diintooda dayacay ama ka baxay; waayeello ku jaba barafka xilliga qaboobaha. Ogow hoggaamiyuhu sidiisaba wuxuu u kala baxaa labo nooc: the servant leader iyo self-serving leader—oo kala ah hoggaamiye ka shaqeeyo danta guud ee ummaddiisa iyo mid caksigiisa ahoo daneyste ah oo calooshiisa u shaqeeyo. Waxaan hadalkaan ka maqlay aqoonyahanka ii ah laheystayaasha. Waxay igu ammaanaan inaan ahay hoggaamiye ka shaqeeyo danta guud. Cajiib! Jaahilba aan ahaadee ma moogi nusqaanteyda iyo iinteyda. Waan ogahay inaan ahay waxa aan ahay. Kama aan xishoodo inaan ku sifoobay hoggaamiyaha labaad ee daneystaha ah maadaama aanan weli arkin shacab i yureeya oo ila xisaabtama.
Quraanka kariimka ayaa ummadda Nebi Maxamed—calayhi salaatu wasalaam—ku ammaanay inay yihiin ummaddii ugu fiicneyd ee la abuuray maadaama ay kheyrka iyo samaha ka shaqeeyaan; dulmiga iyo xumahana reebaan. Weli waa iga dhaadhici la’dahay ummad Muslimiin ah oo igu kaalmeynayso dulmiga iyo xasadka.
Gunaanadku wuxuu yahay, iga hooya ballantii aan idinka qaaday. Ballantii quseysay sirta labaad. Bal ila fahma sirta labaad. Horta xabbad iyo qori wax la iigama qaadayo. Keliya un waxaa igu filan iyada oo amar-diiddo la igu sameeyo. Sahal! Iyo idinka oo u hiilliyo fariidkiinna fiirada dheer ee daneeyo horumarkiinna. Sharaftiinna. Magaciinna. Karaamadiinna. Baraarihiinna. Qarannimadiinna. Xikmad baa jirta saalixiintii hore laga dhaxlay oo oraneysa: “Kun macal xaq bilaa khalq”—oo macnaheedu yahay u hiilli xaqa adigoon ku xisaabtamin cidda kula jireyso iyo cidda ku mucaaradeyso. Fariidkiinna wuxuu u baahan yahay qof fikirkaas heysta, oo xaqa ku taageero. Anigana iga xor iga noqdo. Sidoo kale xasuusta mahadhadii Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Shacabyahow ma ka faa’iideysateen? Sidee uga faa’iideysataan ma idinka ayaaba xor ah? Soo laheyste iima tihid? Bal aan mar kale iska kaa xasuusiyo tixdii Gaarriye: Abkuu doono ha sheegtee / Wuxuun baa ehel ii ah / Dad ninkaan af-aqaanee / Si’ wax iila arkaayee / Na mideyso ujeeddo.” Fariidkiinna idin badbaadin lahaa wuxuu u baahan yahay shacab higsanaya yoolka ay tixdaasi tilmaameyso—shacab maskaxda xor ka ah, qalbigana ka fiyow. Ma tahay shacab ujeeddo leh? Buugga Governance (2010) ee Ismaaciil Cali Ismaaciil wuxuu soo weriyay nin hoggaamiye kooxeed ahaa. Wuxuu hoggaamiye kooxeedkaasi yiri xalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa masaafurinta ragga jabhadaha horboodayay oo ku qaraabanayay magaca beelaha walaalaha Soomaaliyeed. Taa ma dhicin—oo qabqable walba adiga shacabka ah ayaa tol u noqday. Oo difaacay. Hayeeshee runtu waxay tahay maanta musaafiris looma baahno waayo dunidu waxay noqotay hal xaafad oo warka iyo xiriirku way suuroobaan dal iyo dibed hadba meeshaad joogtid. Musaafuris waxaa ka sahlan idinka oo qalbiga iga saaro—oo fariidkiinna u hiilliyo. Su’aashuse waxay tahay: sidaa ma yeeli kartaan? Oo fariidkiinna ma u hiillin kartaan? Idiinkagama baran. Buugga Himilidaada Hano (2013) ee Maxamed Siibed wuxuu xusay wiil dersi u doontay oday xikmad lahaa. Odaygii wuxuu wiilkii u kaxeeyay safar. Reer baa marti-geliyay habeennimadii. Reerka hal sac ayaa u joogay. Oo reerka oo dhan ay ku tiirsanaayeen. Martidii waxaa loo maalay sacii. Waa la kala seexday. Hayeeshee odaygii ayaa isla habeennimadii hurdada ka kacay reerkii oo jiifo. Saa intuu ku leexday mooradii ayuu gowracay sacii lagu arkay reerka. Wiilkii wuu sasay. Odaygiise inta gacanta ku dhegay wiilkii ayuu dhaqaaqay—oo ay safarkoodii sii wateen. Odaygii xikmad buu u dan lahaayee sannad ka dib ayuu reerkii ku soo noqday iyadoo uu wiilkii la socdo. Mise reerkii waa barwaaqo. Waa beero waaweyn. Waa dalag go’ay iyo dhul ballaartay. Wiilkii iyo odaygii oo isla socdo ayaa reerkii bariidiyay. Waxay reerkii dhaheen sacii aad berigii nagu ogeydeen mid habaar qabo ayaa naga gowracay annagoo huradna. Hayeeshee markaynu miyirsannay waxaan garowsannay in ninku uu duceysanaa. Sababtu
waxay tahay saca uu naga gowracay wuxuu naga hor taagnaa barwaaqadan aynu maanta gaarnay oo beero waaweyn leh, dalag soo go’ay leh, dhaqaale kobcay leh, iyo nimco iyo baraare leh. Markaas ayuu wiilkii garowsaday xikmadda loo gowracay sacii. Shacabyahow saddex iyo labaatan sano ayaa idiin ahaa sidii sacaas—oo aad iga dhammi jirteen caano sumeysan oo ah xasad iyo dulmi ku aaddan beelaha walaalihiinna ah. Miskiin. Illaa haddana sidii sacaas ayaad keligeey igu fara-adeygteen. I kolkooliseen. Fariidkiina iska yureyseen. Haddaba saca gowraca shacabyahow si’aad u gaartaan meel ka sarreysa meesha aad maanta joogtaan. Caawiya fariidkiinna. Iga hara. Waxaa aniga gowrac iigu filan idinkoo qalbadda iga saara. Oo i yureeyo. Oo ila xisaabtama. Oo aan qabiil iigu soo dhaweysan. Waase iga su’aalee kalsoonidaas ma isku qabtaan? Ma iga maarantaan? Qalbiga ma iga saari kartaan? Ma u hiillin kartaan fariidka dantiinna u taagan? Laheystayaal aan mabda’ iyo mowqif laheyn dheh—wallee dadnimo idinkuma ogi. Bilaash kuma aydaan noqon “kulli-xume”. Buugga Dhab u Fiiri Waayaha (2012) ee Axmed Ismaaciil (Axmed Deeq) wuxuu xusay aafo ku habsatay shacabka walaalaha ah. Hayeeshee aafadaas cidda ka danbeysay waa aniga. Haa, waa anigakan aad tolka iyo sokeeyaha iga dhigatay. Wuxuu qoraagu qoray: Xumaan iyo xasad baa la inagu abuuray, naxli iyo nuxus baa dhexdeenna la dhigay. Waa la inoo kala sheekeeyay, waana la ina kala qoqobay. Dabadeed cududdeenii baa wiiqantay; caqligeennii baa kala dhantaalmay; aayaheennii baa eydu cuntay. Iskuma uur fayoobin, iskumana caloolsamin. Kaalintii aan bulshada ku lahayn baan gabnay. Qanac iyo quus baa quluubteenna ku samaysmay. [Kh]ayrkeen baan ka hadhnay. Inteenna kulantaa reernimo ayay isku aragtaa, inteenna kala tagtaana reernimo ayay ku kala tagtaa. Cabasho iyo caloolyow baa innaga soo hadhay. Xooggeenii baa daah la inaga saaray. Ma maqashay qeylo-dhaanta qoraaga? Ma maqashay? Wuxuu yiri, “Xooggeenii baa daah la inaga saaray.” Gari Ilaah bay taqaan. Dulmi aadan adiga shacabka ah isku sameyn anigu kuuma geysan. Waa adiga cidda xooggaaga arki waayay, oo fariidkaaga taageeri waayay, oo mustaqbal wanaagsan sahansan waayay. Waa adiga shacabka ah cidda ii noqotay laf dhabar aan ku tiirsanahay. Waxaan halaag iyo qasaare aheynse miyaad iga dhaxashay? Miskiin.
Sidaan horey u sheegayba, xalku ma ahan masaafuris qabqable iyo daneyste. Xalku waa idinka shacabka ah oo garta kaalintiinna. Idinka shacabka ah oo i yureeyo. Idinka shacabka ah oo ku dhaqmo Aayaddii aheyd Ilaah ma beddelo qowm illaa ay qowmku iyagu beddelaan nafsaddooda. Meel waxa laga beddelana waxaa ugu weyn qalbiga. Caqli-xumo kuma ogi shacabka Soomaaliyeed. Qalbiga oo lala dagaallamase ma sahlana. Waxaase taa ka sii horreyso inaad ku baraarugtaan meesha la idinka heysto. Inta taa ka horreyso aniga ayaad laheystayaal ii tihiin. Masaakiin. Alla maxaan idiin sheegay sir igu lid ah.
Laakiin waan idin aqaanee ma ku kalsoon tihiin inaad igu gadooddaan? Haddii aad u hiillisaan dadka waxtarka idiin leh, yaa idinka celinayo reer hebel? Illeen iyagaba waxay ku daba safan yihiin mid anigoo kale ah oo daneyste ahee? Inta ay jirto cabsida laga qabo qabiil kale aniguna waan jiri doonaa. Nafaqadeydu waa cabsida u dhaxeyso beelaha walaalaha Soomaaliyeed. Taas ayaa baraare ii ah—adigana luggooyo kuu ah.
Horta ereyga fariid ee soo noqnoqday maxaan ka jeedaa? Yaa fariid ah? Yaa u qalmo? Oo shacabka hoggaamin karo? Oo dantooda iyo maslaxoodda lagu aamini karaa? Hal sheeko iga hooya. Waxaan ka maqlay aqoonyahanka ii shaqeeyo oo ku maadeysanaya. Waa sheeko ku jirto buugga Dagaal Waa Ka Dare.
Sheekadu waxay aheyd nin ayaa gowracay xaaskiisa—taasoo weliba isaga u dhashay caruur. Saa beeshii ay gabadha ka dhalatay ayaa dagaal warmaha u soo qaatay. Oo duullaan ku ahaa ninkii dilay gabadha. Hayeeshee odaygii gabadha dhalay ayaa arrinta soo dhex galay. Oo muxuu sameeyayna? Wuxuu odaygii gacanta soo qabtay gabar kale oo la dhalatay tii la gowracay. Wuxuu deetana gabartan labaad u guuriyay ninkii dilay gabadhiisii hore. Fariid!
Beeshii odayga waxaa u cuntami weysay tallaabada uu odaygu ku dhaqaaqay. Misana go’aanka isaga ayay u daayeen. Oo ay ka hareen. Odaygii wuxuu halkaas ku baajiyay dagaal iyo fitno sii faafto. Saa beeshii uu ka dhashay ninkii gabadha dilay ayaa odaygii u keenay labo boqol oo halaad oo mag iyo xaal-marin ah. Fariidka aan ka hadlayo waa odaygan oo kale. Fariidku waa midka badbaadiyo dhiigga dadkiisa, kana shaqeeyo nabaddooda, una diido inay barakacaan, beylahna noqdaan. Waana midka aad shacabyahow ka hiilliseen. Oo aad dhayalsateen.
Hadalkiyoo kooban, shacabyahow ii sii foosha wiilashii aan berrito dagaalka u kaxeyn lahaa. Ii sii dhisa guryihii aan madfaca la dhici lahaa. Ii sii shaqeeya lacagtii aan berrito idinka guran lahaa. Ii sii tiriya gabayadii aad berrito igu ammaani laheydeen. Ii sii baarbaara aayaddii iyo xaddiiskii aad qiilka iigu bixin laheydeen. Soo geesi idiinma ihi? Soo halyeyga reerka ma ihi? Hoggaamiyihiinna? Soo kii dantiinna aad ku aaminteen ma ihi? Miyaad iga maarantaan? La’aantey ma jiri kartaan?
Xaasha!
Rubuc qarni ayaan idinka soo lumiyay—haddii aan rubuc qarni kale idinka lumin karana diyaar baan u ahay. Masaakiin laheystayaal ah. Fariidkiinna waad fogeyseen. Aniga ayaad sokeeye iga dhigateen; aniguse shisheeye iigama sokeysaan—oo danteyda ayaan idinku fushadaa. Miskiin. Cidina idiinma maqna; ceelna idiinma qodna.

Dhammaad

Sheekooyinkii Ugu Wanaagsanaa

CabdiRisaaq Maxamed Cilmi “ina Warfaa”

Weli lama daabicin kitaabkan. Qof kasta ayaa xaq u leh inuu daabacdo kitaabkan oo ma dhowrsana.
La soo xiriirka qoraha ee ku saabsan kitaabka: Haddii aad xiiseyneysid kitaabkan oo aad dooneyid inaad ogaato sidii lagu heli lahaa, iyo haddii aad ku aragtid khaladaad, Eebbe kaliya ayaa dhamaystirane ha kaa abaalmariyo. Waxaad fadlan kala soo xiriiri kartaa qoraha kitaabkan cinwaanka bariidka xaasuubkiisa “e-mailkiisa” oo ah: ina_warfaa@hotmail.com.

Mahadnaq
Waxaan ugu horrayntii u mahadnaqayaa Eebbe, oo igu galadaystay nimcooyin tira badan oo aanan koobi karin. Ka dibna waxaan u mahadnaqayaa dhammaan dadkii igu caawiyey talo, fikrad iyo dhiiragalin waxaan idin leeyahay

Hordhaca Qoraha
Waxaan ku bilaabayaa magaca Eebbaha Naxariistaha guud Naxariistaha gaar.
Waxaa mahad iska leh Eebbe, naxariis iyo nabadgalyadiisana korkooda ha ahaato nebi Maxamed, reerkiisa iyo intii raacdey dhamaantood.
Kani waa sheekooyinkii ugu wanaagsanaa
ulajeedadaydu waxay tahay in aan ugu dhawaado Eebbe, aniga oo ugu qoraayo afka soomaaliga
sheekooyin islaami ah, dadka jecel rabana iney u sii gudbiyaan caruurtooda.
Waxaan ugu dambayntii Eebbe ka baryayaa in uu aniga “qoraaga” kitaabkan iyo intii i caawisayba
uu miisaanka wanaagyadeena noogu daro maalin aysan xoolo iyo caruur waxba tarayn.

Qoraha
Helsinki
Jimce, 16.12.1427 H. oo ku aaddan 5.1.2007 M.


Nebi Aadan
Nebi Aadan nabadgelyo korkiisa ha ahaatee Wuxuu ahaa aabihii dadka oo dhan, Eebbaa dhoobo ka abuuray una tujisiiyay malaaigtiisa, waxaan ka ahayn Sheydaan, oo diidey inuu u tukado nebi Aadan. Eebbana wuxuu ku yiri Sheydaankii maxaadan u sameyn waxaan ku faray, Sheydaankii oo islaweyni iyo xasad ka buuxo ayaa ku jawaabey: Aniga ayaa ka wanaagsan nebi Aadan, oo waxaad iga abuurtey dab, isagana waxaad ka abuurtey dhoobo.
Markaas baa Eebbe ku yiri Sheydaankii waxaa tahay mid laga fogeeyay naxariisteyda.
Sheydaankiina wuxuu Eebbe ka baryey inuu u kaadiyo inta laga gaarayo aakhiro, Eebbana wuu ka aqbalay. Kolkaas buu wuxuu doonay inuu aarguto, oo wuxuu yiri: Eebbow sharaftaadaan ku dhaartee dhamaantood “dadka” waan baadiyeen, waxaan ka ahayn adoomadaada daacadda kuu ah.
Eebbana wuxuu ku yiri Sheydaankii: Waxaan ka buuxin naarta Jahanamo adiga iyo wixii ku raacay dhamaantood. Eebbana wuxuu baray nebi Aadan magacyada. Wuxuuna u abuuray xaaskiisii Xaawo, dejiyeyna labadoodii janada, ugana digay ineysan u dhowaan geed ku yaalay jannada, hase ahaatee sheydaankii ayaa shaki ku abuurey oo wuxuu ku yiri: Ma idin tusaa geed haddaad cuntaan aydan weligiin dhimaneyn aadna heleysaan boqortooyo aan dhamaaneyn dabadeedna wey cuneen, ka dibna Eebbaa dhulka u soo dejiyey, waxayna weydiisteen dembidhaaf wuuna ka aqbalay. Eebbana wuxuu awoodsiiyey iney ku noolaadaan dhulka. Farayna iney isaga keligiis caabudaan kuna booriyey dadka taasi, kana yeelay rasuulkii Eebbe ee loo soo direy ilmihiisii, wuxuuna ahaa nebigii ugu horeeyey.

Nebi Idriis nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Nebi Idriis wuxuu ka mid yahay rususha sharafta leh ee Eebbe kitaabkiisa Qur’aanka sharafta leh noogu sheegay. Wuxuuna sidoo kale ka mid yahay rususha inaan rumeyno nala faray, oo Eebbaa noogu sheegay nebi Idriis Qur’aanka magaciisa iyo inuu ahaa nebi runlow ah.

Nebi Nuux
Nebi Nuux nabadgelyo korkiisa ha ahaatee wuxuu ahaa dhowrsane runlow ah, oo Eebbe u soo direy dadkiisa inuu hanuuniyo, ugana digo cadaabka aakhiro isagoo leh: Tolkeeyow, Eebbe caabuda mana lihidiin Eebbe isaga aan ahayn waxaan idinkaga cabsanayaa cadaab maalin weyn. Markaas bey waxay ugu jawaabeen: Runtii Nuuxow waad baadiyeysan tahay. Markaas buu wuxuu nebi Nuux ugu jawaabay: Tolkeeyow ma baadiyeysni ee hase ahaatee waxaan ahay rasuul Eebbe soo direy waxaan idin soo gaarsiinayaa risaalada Eebbehey waana idinla talin oo waxaan Eebbe ka ogahay waxaydaan ka ogeyn. Markuu nebi Nuux ogaadey iney rumeyn doonin intii horey u rumeysey mooyee. Ayuu wuxuu yiri Kii i barbaariyow dhulka ha uga tegin qof gaal ah. Oo wuxuu sii raaciyey haddaad qof gaal ah dhulka uga tegtid waxay baadiyeynayaan adoomadaada mana dhalayaan ku xun oo gaal ah mooyee. Ka dib baa Eebbe faray inuu markab sameeyo, oo uuna markabkaasi saaro lamaane kasta oo ku nool dhulka ay ka mid yihiin mu’miniintii rumeysey, hase ahaatee aysan ku jirin xaaskiisa iyo wiilkiisa oo iyagu waxay ahaayeen gaalo. Dabadeed baa waxaa yimid duufaan oo dadkii gaalada ahaa biyihii ku wada dhinteen.

Nebi Huud nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Nebi Huud wuxuu ka dhashay qabiil la yiraahdo Caad oo loo soo direy. Reer caad waxay ahaayeen dadka ugu dheer uguna xoog weyn xiligoodii, waxayna ku faani jireen xoogooda. Hase ahaatee waxay ahaayeen gaalo, oo waxay caabudi jireen sanamyada, weyna difaaci jireen, una dagaalami jireen sanamyadooda dartood. Nebigoodana wey beeniyeen, weyna ku jeesjeesi jireen. Waxay ahayd reer Huud maadaama ay is og yihiin iney ugu xoog weyn yihiin dadka, iney ogaadaan
Eebbihii iyaga abuuray inuu iyagana ka xoog badan yahay.
Nebi Huudna wuxuu ku oran jirey dadkiisa eraygii ay nebiyada oo dhan ku dhihi jireen dadkooda. Oo wuxuu ku dhihi jirey: Dadkeeyow Eebbe caabuda ma lihidiin Ilaah isaga aan ahayn ee miyeedan cabsanayn.
Ka dibna Eebbe ayaa ku laayey dabeel daran gaaladii reer Huud, kuna badbaadiyey Nebi Huud iyo dadkii rumeeyay.

Nebi Saalax nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Nebi Saalax wuxuu Eebbe u soo direy reer Samuud. Waxay ahaayeen dad abaaldaran, maxaa yeelay Eebbaa wuxuu siiyey xoolo fara badan, hase ahaatee Barbaariyahooda ma aysan rumeyn ee waxay caabudi jireen sanamyada ay kadhaxleen aabayaalkoodii. Reer Samuud waxay isugu faani jireen awoodooda. Dabadeed baa Eebbe u soo direy nebi Saalax inuu ugu bishaareeyo jano hadday rumeeyaan, ugana digo naar hadday rumeyn waayaan, hase ahaatee wey beeniyeen. Waxayna ka codsadeen inuu ula yimaado calaamad ay ku gartaan inuu nebi yahay si ay u rumeeyaan, wuxuuna ula yimid nebi Saalax hal. Wuxuuna faray reer Samuud ineysan dhibin, hase ahaatee waxay ku adkeysteen islaweynidoodii oo dabadeed waxay dileen hashii.
Eebbana wuxuu ku ciqaabay qeylo daran, markaas bey halkii ku dhinteen. Waxaana Eebbe halkii ku badbaadiyey nebi Saalax iyo intii rumeysey.

Nebi Ibraahin nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Nebi Ibraahin wuxuu ahaa saaxiibkii Eebbe, waana mid ka mida shanta rusul ee ugu wanaagsan Eebbe agtiisa, wuxuuna ka dhigey rasuul, wuxuuna ka doortey uun badan oo Eebbe abuuray. Nebi Ibraahin waxaa loo soo direy dad caabuda xidigaha oo uu la noolaa, wuxuuna dadkiisii ugu yeeri jirey iney Eebbe keligiis caabudaan, hase ahaatee wey beeniyeen. Waxayna isku dayeen iney gubaan, Eebbe ayaana ka badbaadiyey. Eebbana wuxuu wiilashiisii Ismaaciil iyo Isxaaq ka yeelay nebiyo.
Waxayna nebi Ibraahin iyo wiilkiisii nebi Ismaaciil wada dhiseen Kacbada.

Nebi Luud nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Eebbe wuxuu nebi Luud u soo direy dadkiisii, si uu u hanuuniyo uguna yeero iney caabudaan Eebbe. Waxayna ahaayeen dad xun oo sameeya xumaanta, kuna xadgudba martida. Waxayna ahaayeen rag ka raadiya xumaan ragga kale, oo markuu nebi Luud ugu yeeray iney xumaanta iska daayaan, waxay isku dayeen iney saaraan isaga.
Nebi Luud waxaa rumeeyay qaar ka mida reerkiisii, xaaskiisa iyadu ma rumeyn. Markuu nebi Luud ka quustey dadkiisii ayuu Eebbe wuxuu ka baryey in isaga iyo intii raacdey Eebbe badbaadiyo, laayana xumaan falayaashii. Waxaa dabadeed nebi Luud u yimid Malaaig, waxayna saareen nebi Luud iyo intii rumeysey, oo intii kale ee gaalada ahaa ku laayey dhagxaan sumadeysan.

Nebi Ismaaciil nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Nebi Ismaaciil wuxuu ahaa curadkii nebi Ibraahin iyo marwo Haajar. Wuxuu uga tegey nebi Ibraahin xaaskiisii Haajar iyo ilmaheedii nebi Ismaaciil goob ku taaley Makka, Eebbe oo sidaa faray darteed, iyagoo heysta biyo yar iyo timir.
Markuu ka dhamaadey wixii yaraa ee ay wateen, ayey marwo Haajar bilowdey iney warwareegato iyadoo wax la cabo ama la cuno baadi goobeyso, ilaa Eebbe uu ku toosiyo biyihii Samsamka.
Waxaana u imaan jirey dad badan oo socoto ah, goobtiina waxay noqotey meel dad dego, biyihii Samsamka ee halkaasi ka dilaacay dartiis. Oo ka dib wuxuu Eebbe faray nebi Ibraahin inuu dhiso Kacbada oo waxaana la dhisey wiilkiisii nebi Ismaaciil. Ka dibna wuxuu nebi Ibraahin riyo ku arkey isagoo Eebbe farayo inuu gowraco wiilkiisii, wuxuuna u sheegay wiilkiisii nebi Ismaaciil. Wuxuuna ugu jawaabey nebi Ismaaciil:
Aabaheygow samee wuxuu Eebbe ku faray waan dulqaadan hadduu Eebbe yiraahdee. Eebbana wuu ka badbaadiyey gowricii. Wuxuuna ahaa nebi Ismaaciil mid dulqaad badan, balan oofiya oo farana reerkiisa tukashada iyo wax bixinta.
Wuxuuna dadka fari jirey in Eebbe keligiis la caabudo.

Nebi Isxaaq nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Nebi Isxaaq wuxuu ahaa ina nebi Ibraahin iyo marwo Saara, wuxuuna dhashay walaalkiis nebi Ismaaciil ka dib, oo waxay ahaayeen ilmo aabe. Malaaigtii ayaana ugu bishaareysey nebi Ibraahin iyo marwo Saara dhalashadiisii, markii ay u socdeen halkii ay deganaayeen dadkii nebi Luud loo soo direy, si ay u laayaan gaaladii xumaanta sameyn jirey. Eebbana wuxuu Qur’aanka noogu sheegay nebi Isxaaq inuu ahaa mid aqoon badan.
Kana yeelay nebi dadka ku hanuuniya falalka wanaagsan. Nebi Isxaaqna wuxuu dhalay nebi Yacquub oo loo yaqaaney Israaiil.

Nebi Yacquub nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Nebi Yacquub waa ina nebi Isxaaq ina nebi Ibraahin, waxaana la oran jirey Israaiil: Waxaana loola jeedaa: Cabdullaahi. Wuxuuna ahaa nebi loo soo direy dadkiisii oo ah mid dhowrsan. Wuxuuna la dardaarmey caruurtiisii markuu dhimanayey oo wuxuu ku yiri: Maxaad caabudeysaan markaan dhinto ka dib? Markaas ayey yiraahdeen waxaan caabudeynaa Eebbahaaga, Eebbaha aabayaalkaa Ibraahin, Ismaaciil iyo Isxaaq, Eebbe keligiis, waxaanu ahaaneynaa muslimiin. Nebi Yacquubna wuxuu dhalay nebi Yuusuf.
Nebi Yuusuf nabadgelyo korkiisa ha ahaatee Nebi Yuusuf waa ina nebi Yacquub ina nebi Isxaaq ina nebi Ibraahin. Aabihiisna aad buu u jeclaa, waxaana la dhalatey kow iyo toban walaalo ah. Habeen habeenada ka mida ayuu wuxuu arkey kow iyo toban xiddig, qoraxda iyo dayaxa oo u tukanayaan. Nebi Yuusufna wuxuu u sheegay aabihiis wuxuu arkey, aabihiisna wuxuu ku yiri ha u sheegin walaalahaa. Hase ahaatee Sheydaankii ayaa ku abuurey maseyr walaalihiis, oo waxay isku raaceen iney ku ridaan ceel dheer guntiisa, oo waxay yiraahdeen waxaa cuntey yeey. Ka dib waxaa arkey dad reer miyi ah ceelkii ayeyna ka soo saareen, waxayna ku gateen lacag aad u yar. Waxaana ka gatey boqorkii Masar, xaaskiisii ayuuna farey iney korsadaan, hase ahaatee isagii ayey damacdey, markuu diideyna wey qiyaantey xabsi ayaana la geliyey. Ka dib baa Eebbe muujiyey inuu yahay dembilaawe, kana saarey xabsigii. Boqorkiina wuxuu madax uga dhigey arimihii dhaqaalaha, taasoo maamulkeeda si wanaagsan u hayey sanadihii abaarta. Ka dibna wuxuu u yeertay walaalihiis iyo waalidkiis, weyna u tukadeen “sharaf darteed”, halkaasna waxaa ku furantey riyadiisii.

Nebi Ayuub nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Nebi Ayuub wuxuu lahaa xoolo fara badan iyo caruur badan, hase ahaatee Eebbaa imtixaaney oo wuxuu ka qaadey xoolihii iyo caruurtiiba, sidoo kale wuxuu ku ridey xanuuno fara badan oo hayey muddo badan heer ay gaartey iney dadkii ka fogaadaan, waxaan ka aheyn xaaskiisii oo iyadu wey u dulqaadatey, ilaa Eebbe caafimaadkiisii, caruurtiisii iyo xoolihiisii dib ugu soo celiyey.
Kor ahaaye Eebbana wuxuu ku yiri Qur’aankiisii sharafta lahaa isagoo amaanaya addoonkiisii Ayuub: Wuxuu ahaa mid dulqaata addoon wanaagsan runtii Eebbe u soo noqda.

Nebi Zul-kifli nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Nebi Zul-kifli wuxuu ka mid ahaa nebiyaalkii suubbanaa ee dulqaadan jirey. Qur’aankana wax intaas dheer ka ma uusan sheegin.

Nebi Yoonis nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Nebi Yoonis wuxuu Eebbe u soo direy dadkii Niinawaa. Wuxuuna ugu yeeray iney caabudaan Eebbe keligiis, hase ahaatee wey diideen weyna isla weynaadeen markaas ayuu nebi Yoonis iskaga tegey. Wuxuuna u sheegay in la cadaabi doono muddo saddax habeen ka dib. Kolkaas ayey cabsadeen oo rumeeyeen, Eebbana ma uusan
cadaabin. Wuxuuse nebi Yoonis raacay doon, markaas ayey doontii degi gaartey baddii gudaheeda, oo waxay go’aansadeen iney qori tuur sameeyaan oo qofkii ay ku soo aaddo saddax jeer qori tuurkaas lagu tuuro badda. Waxayna ku soo aaddey nebi Yoonis oo dabadeed wuxuu isku tuurey baddii, isla markiiba waxaa liqey nibiri, nibirigiina ma cunin Eebbe dartiis. Markaas buu nebi Yoonis baryey Eebbihiis inuu ka saaro gudcurka, Eebbana wuu ka aqbaley. Dadkii loogu soo direy inuu gaarsiyo risaalada: wuxuu Eebbe soo faray, waxay gaarayeen boqol kun iyo ka badan.

Nebi Shuceyb nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Nebi Shuceyb wuxuu Eebbe u soo direy dadkii Madyan. Waxayna caabudi jireen geed. Markey wax miisaamayaana wey dhimi jireen. oo ma aysan siin jirin dadka waxay lahaayeen. Markaas buu nebi shuceyb wuxuu ugu yeeray iney Eebbe caabudaan, dadkana kula dhaqmaan si garsoor leh. Hase ahaatee wey diideen weyna isla weynaadeen. Waxayna ku yiraahdeen nebi Shuceyb dhagax ayaannu kugu dileynaa, waannu ku fogeyn. Waxayna ka codsadeen inuu gabal cirka ah ku soo kor rido. Markaas baa waxaa lagu laayey qeylo daran.

Nebiyadii loo soo direy tuulada nabadgelyo korkooda ha ahaatee
Eebbe baa labo Rasuul wuxuu u soo direy tuulo,
Markaas baa labadii Rasuul tuuladii rumeyn weysey. Kolkaas buu Eebbe u soo direy Rasuul saddaxaad tuuladii. Kor ahaaye Eebbe wuxuu
Qur’aankiisa noogu sheegay inuu rumeeyay nin, dadkiisiina ugu yeeray iney rumeeyaan rusushaas,
hase ahaatee wey dileen, oo dabadeed Eebbana geliyey janno.

Nebi Muuse nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Eebbe nebi Muuse wuxuu u soo direy Fircoon iyo dadkiisii. Wuxuuna siiyey labo mucjiso oo midkood ay aheyd ushii cuneysey masaska, tan kalena waa gacantiisii oo intuu geliyo jeebkiisa uu dabadeedna ka soo saarayey iyadoo cad. Nebi Muuse wuxuu Fircoon ugu yeeray inuu Eebbe keligiis caabudo. Fircoonna wuxuu la dagaalamay nebi Muuse, oo wuxuu isugu yeeray sixiroolayaashiisii ugu waaweynaa si uu nebi Muuse u qiyaamo, hase ahaatee nebi Muuse ayaa ka adkaadey sixiroolayaashii oo Eebbe ayaa u gargaarey. Dabadeed wuxuu Eebbe faray nebi Muuse isaga iyo intii raacdey iney ka baxaan Masar. Markaas baa waxaa soo daba galay Fircoon iyo ciidankiisii. Kolkii ay u soo dhawaadeen nebi Muuse iyo asxaabtiisii baddii oo ay is yiraahdeen ciidankii Fircoon waa idin soo gaareen ayuu Eebbe faray nebi Muuse inuu ku garaaco ushiisa badda si ay u badbaadaan, halkaasna uu ku dhinto Fircoon kaas oo Eebbe dadka uga dhigey waano.

Nebi Haaruun nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Nebi Haaruun wuxuu ahaa nebi Muuse walaalkiis iyo saaxiibkiis loo soo wada direy Fircoon inuu rumeeyo Eebbe, maxaa yeelay nebi Haaruun wuxuu ahaa codkar. Wuxuuna nebi Muuse madax uga dhigay walaalkiis nebi Haaruun dadkiisii, markuu aadey inuu Eebbe kula kulmo buurtii Duur korkeeda. Hase ahaatee waxaa dhacdey belaayadii Saamir, kaas oo reer Israaiil u sameeyay weyl “lo’ ka sameysan dahab si ay u caabudaan. Markaas buu nebi Haaruun ugu yeeray dadkii iney u soo noqdaan Eebbe caabudistiisa oo ay iska daayaan weyshan ay caabudayaan, hase ahaatee wey isla weynaadeen. Nebi Muuse markuu ku soo noqday dadkiisii oo uu arkey waxay caabudayaan buu wuxuu ku eedeeyay walaalkiis nebi Haaruun. Nebi Haaruunna wuxuu u sheegay walaalkiis nebi Muuse iney dili gaareen dadkii markuu isku dayey inuu ka hor tago waxay caabudayeen.

Nebi Daa’uud nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Eebbe wuxuu siiyey nebi Daa’uud aqoon iyo xikmad. Wuxuuna u fududeeyay markuu leeyahay Eebbow adigaa hufan iney la qaadaan buuraha iyo shimbiraha, waxaana loo jilciyey birta. Nebi Daa’uud wuxuu ahaa addoon Eebbe caabudistiisa daacad ugu ah una mahadnaqa. Wuxuu soomi jirey maalin, maalinna wuu afuri jirey, habeenkiinna wuxuu u istaagi jirey Eebbe caabudistiisa. Eebbana wuxuu ku soo dejiyey nebi Daa’uud kitaabkii Sabuur. Wuxuuna siiyey boqortooyo weyn farayna inuu ku maamulo si garsoor leh.

Nebi Saleebaan nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Nebi Saleebaan Eebbaa wuxuu siiyey aqoon iyo xikmad. Wuxuuna baray hadalka shimbiraha iyo xoolaha kale, wuxuuna u fududeeyay dabeysha iyo Jinka. Nebi Saleebaan wuxuu soo booqan jirey ciidankiisii mararka qarkood. Markaas buu wuxuu waayey shimbirkii Hudhudka ahaa maalin maalmaha ka mid ah, dabadeed baa waxaa yimid Hud-hudkii markuu maqnaa in muddo ah. Wuxuuna ku yiri nebi Saleebaan waxaan ka imid
Saba’, waxaana kaaga sidaa war run ah oo waxaan ku soo arkey goobtaasi naag boqorad ah oo la siiyey wax walba, waxayna caabudayeen iyada iyo dadkeedaba qoraxda. Markaas ka dib buu nebi Saleebaan wuxuu qorey warqad, wuxuuna faray Hudhudkii inuu u geeyo warqaddaasi boqoraddii Saba’. Hudhudkiina wuxuu u geeyay warqaddii Balqiisa, markii ay heshay warqaddii nebi Saleebaan uu ku lahaa ha isla key weynaanina ee ii imaada idinkoo muslimiin ah. Kolkaas ayey Balqiisa iyo madaxdeedii waaweynaa u tageen
nebi Saleebaan. Ka dib markii Balqiisa ay aragtey wuxuu Eebbe siiyey nebi Saleebaan ayey
muslintey iyada iyo dadkeediiba, nebi Saleebaan ayaana guursadey Balqiisa.

Nebi Ilyaas nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Nebi Ilyaas Eebbe ayaa wuxuu u soo direy reer Baclabak magaalo ku taala Lubnaan. Wuxuuna ugu yeeray iney caabudaan Eebbe, ee aysan caabudin sanamka la yiraahdo Bacla. Gaaladiina wey beeniyeen nebigoodii Ilyaas, Eebbana wuxuu ugu balanqaadey iney geli doonaan cadaabta.

Nebi Alyasca nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Nebi Alyasca wuxuu ka mid ahaa addoomadii wanwanaagsanaa. Waxaana lagu sheegay kitaabkii Towreed, Qur’aankana waxaa lagu sheegay labo jeer.

Nebi Cuseyr nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Nebi Cuseyr wuxuu ka mid ahaa nebiyadii reer Israaiil. Eebbe ayaa wuxuu nafta ka qaadey nebi Cuseyr dabadeedna boqol sano ka dib soo nooleysiiyey. Nebi Cuseyr wuxuu dib u baray reer Israaiil diintoodii oo wuxuu baray kitaabkii Towreed kolkii ay hilmaameen ka dib.

Nebi Sakariye – Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Nebi Sakariye wuxuu ahaa addoon wanaagsan oo dhowrsan. Wuxuuna dadka ugu yeeri jirey diinta toosan. Wuxuuna soo korsadey Maryan “nebi Ciise hooyadiis”. Wuxuuna Eebbe ka baryey inuu siiyo ilmo wanaagsan, Eebbana wuu ka aqbalay oo wuxuu siiyey nebi Yaxye kaas oo dadka isna ugu yeeri jirey iney caabudaan Eebbe keligiis.

Nebi Yaxye – Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Nebi Yaxye waa ina nebi Sakariye. Wuxuuna ku dhashay ducadii uu Eebbe ka aqbalay, markuu nebi Sakariye uu Eebbe ka baryey inuu siiyo ilmo wanaagsan. Wuxuuna Eebbe ugu yeelay aabihiis calaamad dhalashadii nebi Yaxye, in uusan nebi Sakariye la hadlin dadka saddax habeen oo toos ah. Nebi Yaxyena wuxuu ka mid ahaa nebiyaalkii suubbanaa. Wuxuuna ahaa sidoo kale baari, dhowrsan oo Eebbe ka cabsada tan iyo yaraantiisii.
Nebi Ciise nabadgelyo korkiisa ha ahaatee Nebi Ciise waa sidii nebi Aadan oo kale oo wuxuu Eebbe ka abuurey ciidda, wuxuuna ku yiri ahow wuuna ahaadey. Nebi Ciisena waa ina Maryan rasuulkii Eebbe, ereygiisii uu ku ridey Maryan. Waana nebigii horey u sii sheegay inuu nebi Maxamed imaan doono. Eebbana wuxuu siiyey xujooyin, wuxuuna ku xoojiyey Ruuxul-Qudsi. Nebi Ciisena waa mid ka mida shanta rusul ee ugu weyn, isaga oo aad u yar ayuu dadka la hadley, wuxuu ka sameeyay dhoobo qaab shimbir ayuu intuu afuufey dabadeed shimbir noqotey, wuxuuna daaweeyay cudurada aan laheyn daawada, wuxuuna soo nooleeyay qof dhintey, intaas oo dhan oo mucjiso ah Eebbe ayaa u fududeeyay. Wuxuuna nebi Ciise dadkiisii ugu yeeray iney Eebbe keligiis caabudaan, hase ahaatee wey diideen, weyna isla weynaadeen, weyna ka soo horjeesteen, mana rumeyn dad yar mooyee. Eebbe ayaana cirka u qaadey, wuxuuna dhulka u soo dejin doonaa markuu doono si uu dadka marqaaati uga noqdo.

Luqmaan – Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee
Eebbe kor ahaaye wuxuu Qur’aankiisa ku yiri: Oo runtii waxaanu siinay Luqmaan xikmad.
Luqmaan nasabkiisa layskuma raacsano iyo goortuu noolaa. Sidoo kale layskuma raacsano ma wuxuu ahaa nebi mise nin suubban? hase ahaatee culumada badankood waxay leeyihiin wuxuu ahaa nin suubban. Xikmaddii Eebbe uu siiyeyna waxay ahayd fahamka diinta iyo caqliga.

Aasiyo – Eebbe ha ka raali noqdee
Boqoraddii mu’minadda ahayd…
Boqoraddu waxay ku kortay guri boqortooyo, waxayna ku nooleed nolosha boqorada, waxayna arki jirtey boqorka kibirkiisa iyo awoodiisa, iyo sida ay uga dambeeyaan dadka boqorka, sidaas ay tahayna iimaan ayaa qalbigeeda galay. Waxayna ka bariday Rabbigeed inuu ka badbaadiyo noloshan, wuuna ka aqbalay Rabbigeed ducadeedii, wuxuuna ugu yeelay tusaale dadkii mu’miniinta, oo wuxuu Eebbe kor ahaaye ku yiri Qur’aankiisii : ( Oo wuxuu Eebbe tusaale ugu soo qaadanayaa dadkii rumeeyey xaaskii Fircoon ”Aasiyo” mar ay tiri Rabbigeeyow iiga dhis agtaada qol jannada igana nabadgeli Fircoon iyo wuxuu sameeyo igana nabadgeli dadka gardaroolayaasha ah ). Suuradda at-taxriim: 11.
Rasuulkii Eebbana n.n.k. wuxuu yiri : ( Dumarka ugu wanaagsan ee reer jannaad waa : Khadiija ina Khuwaylid, Faadumo ina Maxamed, Maryan iyo Aasiyo ). Axmed. Iyadu waa Aasiyo ina Muzaaxim –xaaskii Fircoon – taasoo u ahayd tusaale uu waariyey Qur’aanka mu’minadda si run u rumeysay Rabbigeed, Waxay ahayd qoftii markii ay ogaatay jidka saxda ah raacday iyadoon ka cabsanayn xumaan, oo waa tii rumeysay Eebbe rumayn dhab ah. Hanjabaadii Fircoonna dheg jalaq uma aysan siin, kumana guuleysan inuu ka fogeeyo jidka toosan iyo hanuunka. Waxay ganacsi la gashay Eebbe, waa ayna ku faaidey ganacsigeedii, waxay ku gadatay magaceedii boqornimo, xoolaheedii iyo adeegayaasheedii qiimo qaali ah, oo ah qol ku yaala jannada iyo iney xaas rasuulka ugu noqoto ”aakhiro”.
Waxaa lagu sheegay marwo Aasiyo Eebbe ha ka raali noqdee sheekadii nebi Muuse n.k. markuu Eebbe u waxyooday nebi Muuse hooyadiis iney ku riddo nebi Muuse sanduuqa, sanduuqaasna ay ku riddo badda, uu ku jiro nebi Muuse, hirkuna wuxuu u wadi xagga xeebta uu ku yaallo madaxtooyada Fircoon; oo dabadeed waxaa soo qaaday gabdhihii, waxayna soo geliyeen madaxtooyadii, markay aragtay xaaskii Fircoon ilmahaasi ku jira sanduuqa; ayaa Eebbe aad u jecleesiiyey.
Oo Fircoon ayaa u yimid inuu dilo – siduu ku samayn jirey ilmihii kale ee ay dhaleen reer Israaiil – oo waxay ka codsatay inuusan dilin; si ay uga dhigato ilmo maadaama aysan dhalin ilmo.
Sidaas ayuuna Eebbe ku badbaadiyey nebi Muuse oo uu ku noolaado gurigii Fircoon, Eebbe kor ahaaye wuxuu yiri: (Oo waxaan u waxyoonnay Hooyadii ”nebi” Muuse iney nuujiso oo haddaad u cabsato ku rid badda oo ha ka cabsan oo ha murugoon waannu kuu soo celin oo waxaannu ka yeeli mid ka mid ah rususha. Oo waxaa soo qaatay reer Fircoon si uu ugu noqdo col iyo murug runtii Fircoon iyo Haamaan iyo labadooda ciidan waxay ahaayeen dembiilayaal. Waxay tiri xaaskii Fircoon ”Aasiyo” waa inoo indho qabowsi aniga iyo adiga ha dilin waxaa laga yaabaa inuu wax na taree ama aan ka dhigano ilmo. (iyagoon dareemeyn). Alqisas 7-9.
Marwo Aasiyo waxay ahayd garaadley, naxariisley, kumeyna raacin islaweynadii uu qabey ninkeeda, umana rumeyn ilaahnimadii uu sheeganayey iyo iney dhaleen ilaahyo.
Markuu korey nebi Muuse oo uu weynaaday wuxuu aaday Madyan, isagoo ka baxsanaya dhibkii Fircoon iyo ciidankiisii dabadeedna wuxuu ku noqday Masar mar kale markuu Eebbe rasuulnimo u soo diray – waxay ka mid ahayd xaaskii Fircoon dadkii ugu horeeyay ee rumeeya nebi Muuse. Ugamana cabsan Fircoon ninkeedii iney rumeysay Eebbe, markaasuu isla sii weynaaday, sidee ayey xaaskiisa nolosha ay wada qeybsadaan ku rumeysay, oo isaga ay ku rumeyn weysay. Oo wuxuu bilaabay inuu cadaabo si ay uga gaalowdo, oo wuxuu faray in loo cadaabo sida ugu daran; si gaalnimadii dib ugu noqoto, hase ahaatee isma bedelin oo waxay Rabbigeed ka bariday inuu ka nabadgelyo Fircoon iyo wuxuu sameeyo.
Eebbana wuu ka aqbalay ducadeedii, maxaa yeelay waxay rumeysay Rabbigeedii, waxayna u adkeysatey iimaankeedii darteed si kastoo loo cadaabo, ka dibna waxay istaahishay iney ka mid noqoto dumarkii jannada ku waarayey oo rasuulkii Eebbe run buu sheegay markuu yiri: (Waxaa la dhamaystiray niman badan, lamana dhamaystirin dumarka waxaan ka ahayn Aasiyo xaaskii Fircoon, Maryan ina Cimraan, runtiina wanaaga Caaisho dumarka ka wanaagsan tahay waa sida Sariidka ”cunto ka kooban rooti, hilib iyo maraq” uu uga wanaagsan yahay cuntooyinka kale ). Albukhaari, Muslim, At-tirmidi iyo ina Maajah.

Boqoraddii Balqiisa – Eebbe ha ka raali noqdee
Maalin maalmaha ka mid ah ayey ka kacday hurdadeedii goor aroor hore ah iyadoo isu diyaarineyso iney aadaan macbadka qoraxda iyada iyo dadkeedii reer Saba’ si ay u soo
caabudaan qoraxda. Isla xiligaas waxaa noolaa nebi Saleebaan n.k., isaga iyo ciidankiisana waxay caabudi jireen Eebbe. Eebbana wuxuu siiyey nebi Saleebaan boqortooyo weyn. Wuxuuna sameystay nebi Saleebaan ciidan weyn oo ka kooban dadka, jinka iyo shimbiraha. Nebi Saleebaan wuxuu soo booqan jirey ciidankiisii mararka qarkood.
Markaas buu wuxuu waayey shimbirkii Hudhudka ahaa maalin maalmaha ka mid ah, dabadeed baa waxaa yimid Hudhudkii markuu maqnaa in muddo ah. Wuxuuna ku yiri nebi Saleebaan waxaan ka imid Saba’, waxaana kaaga sidaa war run ah oo waxaan ku soo arkey goobtaasi naag boqorad ah oo la siiyey wax walba, waxayna caabudayeen iyada iyo dadkeedaba qoraxda.
Markaas ka dib buu nebi Saleebaan wuxuu qorey warqad, wuxuuna faray Hudhudkii inuu u geeyo warqaddaasi boqoraddii Saba’. Hudhudkiina wuxuu u geeyay warqaddii Balqiisa, waxayna isugu yeertay madaxdeedii si ay ula tashato, waxayna u sheegtay iney warqad ka heshay nebi Saleebaan kuna yiri ha isla key weynaanina iina imaada idinkoo muslimiin ah. Kolkaas ayey Balqiisa iyo madaxdeedii waaweynaa u tageen nebi Saleebaan. Ka dib markii Balqiisa ay aragtey wuxuu Eebbe siiyey nebi Saleebaan ayey muslintey iyada iyo dadkeediiba, waxaana guursadey nebi Saleebaan.

Marwo Maryan – Eebbe ha ka raali noqdee
Wuxuu Eebbe kor ahaaye Qur’aankiisa noogu sheegay iney Malaaigtii ku yiraahdeen Maryan “nebi Ciise hooyadiis” nabadgelyo korkooda ha ahaatee: (Markiina ay Malaaigtii ku yiraahdeen Maryameey Eebbe ayaa ku doortay qof suuban kaa dhigay kaana doortay dumarka adduunka oo dhan). Aali Cimraan: 42.
Rasuulkii Eebbana wuxuu ka yiri: (Dumarkii adduunka ugu wanaagsanaa waxay ahaayeen: Maryan, Aasiyo, Khadiijo iyo Faadumo). ina Xibbaan.
Waxaa jiri jirey nin la yiraahdo Cimraan ina Maataan iyo marwadiisa Xanna ina Faaquud, waxayna caabudi jireen Eebbe. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxay ka bariday Eebbe inuu siiyo ilmo, Eebbana wuxuu siiyey gabar, waxayna u bixisay Maryan. Muddo yar ka dib waxaa geeriyooday aabbaheed iyadoo yar. Ka dibna waxaa la wareegay barbaarinteedii nebi Zakariye.
Maryan markii ay weynaatay ayaa Eebbe wuxuu u soo direy maalin ka mid ah maalmaha malag la yiraahdo Jibriil inuu u sheego iney dhali doonto Masiix “nebi Ciise” nabadgelyo korkooda ha ahaatee.

Dhalinyaradii godka – Eebbe ha ka raali noqdee
Sheekadan waxaa lagu sheegay Qur’aanka kariimka, suuradda al-kahaf, aayadaha 9-26.
Waa baa waxaa jirtey tuulo ay ku nool yihiin dad gaalo ah. Tuuladaasi boqorkeedii iyo dadkeediiba jidkii saxda ahaa way ka leexdeen. Waxayna Eebbe caabudistiisii la wadaajiyeen wax aan dhib u keeni karin waxna tari karin. Weyna iska caabudeen iyagoon u heysanin wax cad Eebbanimadooda. Sidaas ay tahayna way difaaci jireen Ilaahyadaas ay sheegayeen. Raali ugama aysan ahayn inuu qof xumaan ku sameeyo. Dhib ayey u geysan jireen qofkii aan rumeyn, oo aan caabudin.
Bulshadaasi xun, waxaa ka soo baxay koox dhalinyaro ah oo garaad leh. Koox yar oo ka shaqeysiisey garaadkoodii, oo diidey iney u tukadaan waxaan ahayn Abuurahoodii, Eebbaha ay ku jiraan gacantiisa wax waliba. Waxay ahaayeen dhalinyaro rumeeyay Eebbe, hanuunkiina u kordhiyey, uuna ku hagay jidkii hanuunka.
Ma aysan ahayn dhalinyaradaasi nebiyo iyo rasuul toona. Waajibna kuma ahayn sida rasuulada oo kale iney ugu yeeraan dadkooda risaalada. Ee waxay ahaayeen koox iimaan wanaagsan leh, uma aysan ogolaanin dadkoodii iney Eebbe caabudista wax la wadaajiyaan, waxayna dadkii ku yiraahdeen ma u heysaan caddeyn inuu jiro ilaahyo aan ahayn Eebbe.
Ka dibna waxay go’aansadeen iney ka tagaan tuuladii iyagoo aadaya meel ay ku badbaadayso diintoodii iyo naftoodii oo ay ku caabudaan Eebbe. Illeen tuuladu dadka ku nooli waxay ahaayeen dad xun oo baadi ah.
Dhalinyaradii waxay go’aansadeen iney ka baxaan tuuladii, iyagoo ku socda god cidlo’ ah si ay ugu badbaadaan. Waxay ka baxeen tuuladii balaarneed iyagoo la socdo eygoodii kuna socda god ciriiri ah. Waxay uga soo tageen guryahoodii raaxada badnaa, iney degaan god cidlo’ ah.
Waxay ka soo tageen qololkoodii, sariirahoodii, oo ay doorteen god ciriiri ah oo mugdi ah.
Taasi wax cusub ku noqon meyso qofka qalbigiisu iimaan ka buuxo. Qofka mu’minka ahi lama degaanka wuxuu u arkaa beer hadduu dareensan yahay inuu Eebbe la jiro. Wuxuuna u arkaa godka madaxtooyo, hadduu u doorto godkaasi Eebbe dartiis. Dhalinyaradaasi ugama aysan soo tegin tuuladoodii adduun raadis iyo xoolo, ee waxay uga soo tageen iyagoo doonaya Eebbe raalli ahaanshihiisa. Goob kasta oo ay ku caabudi karaan Eebbe oo ayna ku helayaan raalli ahaanshihiisa way uga wanaagsan tahay tuuladii ay ka yimaadeen.
Waxay dhalinyaradii seexdeen godkii, wuxuu fariistay eygoodii iriddii godka isagoo ilaalinaya.
Markaasi baa waxaa dhacday mucjiso Ilaahi ah, maxaa yeelay dhalinyaradii waxay seexdeen saddax boqol iyo sagaal sanadood. Intii u dhexeysey mudadaasi, qoraxdu waxay ka soo baxeysey dhinaca midig ee godkoodii waxayna u dheceysey dhinaciisa koonfureed, mana soo gaari jirin falaaraheeda maalinta gelinkeeda hore iyo gelinkeeda dambeba. Weyna is gedgedin jireen intey hurdayeen, si aaney jirkoodu wax u gaarin.
Qofkii arki lahaana wuu cabsan lahaa, maxaa yeelay wey hurdaan, hase ahaatee waa iyagii oo soojeeda marba siday dhinac isugu gedgedinayaan darteed.
Saddax boqol oo sanadood ka dib, Eebbe ayaa mar kale soo saaray. Waxay ka kaceen hurdadii dheereed, hase ahaatee ma aysan ogeyn intey hurdayeen. Waxaana ka muuqatay iney muddo dheer hurdayeen. Waxay is weydiiyeen: meeqa ayaanu hurdaynay?! markaasay isu jawaabeen: waxaanu hurdeyney maalin ama maalin barkeed. Waxay la soo baxeen lacagtii ay wateen, ka dibna mid iyaga ka mid ah ayey weydiisteen inuu magaalada aado si uu ugu soo gado lacagtii cunto wanaagsan, oo dabadeed si dhuumasho leh ugu soo noqdo iyadoon qofna dareemin, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa iney ciqaabaan ciidanka boqorka ama kuwo kale oo xumaan falayaasha tuulada ka mid ah hadday ogaadaan arintooda. Oo waxaa dhacda in la yiraahdo kala doorta haddaad rabtaan inaad noolaataan waa inaad Eebbe caabudistiisa ilaahyo kale la wadaajisaan sidii hore oo kale, haddaad diiddaana waa la idin dhagaxeen intaad ka dhimaneysaan.
Ninkii mu’minkii ahaa wuxuu soo aaday tuuladii, hase yeeshee maba aha tuuladii uu yaqaanay.
Tuuladii dhismayaalkeedii iyo guryaheedii wey is bedeleen, sidoo kale waxaa is bedeley cuntadii iyo lacagtii, wuxuu la fajacay sidee iskugu bedeli kartaa tuuladii maalin iyo habeen gudaheed.
Dabcan dadkii tuulada degganaa iyagana waxay la yaabeen ninkii dharkiisa iyo lacagtii uu watey.
Tuuladii ay ka soo tageen dhalinyaradii muddo ka dib waxaa la halaagay boqorkii xumaa, waxaana boqor u noqday nin wanaagsan. Dadkii waxay noqdeen mu’miniin, dadkiina waxay u riyaaqeen dhalinyaradii mu’miniinta ahayd. Maxaa yeelay waxay ahaayeen dhalinyaradaasi mu’miniintii ugu horeysey ee tuuladaasi, oo waxay tuuladoodii uga tageen diintoodii darteed, waana kuwan dib ugu soo noqday tuuladoodii.
Ka dib markii ay u cadaatay mucjisadii dadkii tuulada deganaa dhalinyaradii dhintey ee la soo nooleeyey, oo ay ogaadeen inuu Eebbe awoodo inuu soo nooleeyo qofkii dhintey, oo ay ku arkeen indhahoodii, ayuu Eebbe naftii ka qaaday dhalinyaradii. Illeen waa inuu dhintaa qof kastaa mar uun.

Tixraac Qoraallo

Waxaa mahad iska leh Eebbe, kaasoo galaddiisu ku dhamaadaan wanaagyaalku…

Looma Dhamma

Cabdullaahi Janno
Febraayo 27, 2012

Abaaro. Colaado. Burcad-badeed. Xaalufin deegaan. Mooryaan-garreey. Gumeyste madow. Gumeyste cad. Dallaal sokeeye. Daneyste shisheeye. Waa nasiibka Soomaaliya iyo maanta.


Qeybta 1-aad
Xamar, Soomaaliya
Cawil waxa uu dhex joogaa biibito shaah iyo macmacaan fudud lagu iibiyo. Waxa uu dul fadhiyaa kombiyuutar. Oo wararkii dalka ka daalacanayaa.
Waxa maqalka biibitada taagnaa oday gadanayay baakad sigaar ah. Inta isagoo bakoorad cuskanayo soo dhutiyay ayuu soo aaday dhanka illinka laga baxo. Markii uu sii baxayay ayuu arkay Cawil oo cod la maqli karo ku akhrinayay dalal badan oo u soo gurmaday abaaraha Soomaaliya.
“Turkiga, Iiraan, Qatar,” ayuu Cawil lahaa. “Kuwayt, Sacuudiga, Jabuuti…maashaa Allaah!”
“War ma tahriib baad tahay?” ayuu yiri odaygii, “waa adigakan dalal kale afka ku hayee.”
Waxaa uu Cawil kor u jalleecay odaygii oo bakoorad ku tiirsan, laamo jaad ahna calalinaya.
“Mayee waa dalal gurmad ah,” ayuu yiri wiilkii oo muusoonaya, “oo abaaraha u soo gurmaday.”
Odaygii waxa uu afka gashtay xabbad sigaar ah.
“Nin wax ku siiyo badanaa,” ayuu yiri odaygii oo illinka ka sii baxaya, “nin wax kuu sheegase yaraa.”
Cawil waxa uu sii eegay odaygii oo sii dhutinaya. Siina haruufay.
“Marqaankaa ku saaqayaan u maleenaa?” ayuu Cawil ku qeyliyay.
Odaygii inta dib u soo eegay Cawil ayuu indhaha ku gubay. Waddadii ayuu gooyay isaga oo aan iska eegin. Saa waxaa odaygii hoon uu la sasay ku yeeriyay gaari xammuul ahaa oo xawaare ku socday. Inta gaarigii ku soo jeestayuu bakooraddii ka daba tuuray, oo isagana inta iscelin waayay ayuu dhulka dhinac dhinac ugu dhacay, oo sigaarkiina doc u faniinay. Cawil oo isha ku hayay ayaa ku soo orday—iyo dadkii ka ag-dhowaa odayga.
“Ha i qabanina,” ayuu odaygii ku yiri cod sare, “qaranka kiciya, isaga ayaa i kicin,e.”
Cawil waxa uu odaygii u keenay bakooraddii uu cuskanayay.
“Lafahaaga u tur,” ayuu yiri Cawil.
Odaygii inta indhaha ka eegay Cawil ayuu dhabarka u jeediyay. Wuu sii dhutiyay, xabado laamo jaad ahna kala soo baxay jeebka surwaal ku duugoobay.
“Laakiin maxaad u durtay dalalka soo gurmaday,” ayuu Cawil ku yiri odaygii oo sii socda, “oo u tiri nin wax ku siiyo badanaa, nin wax kuu sheegase yaraa?”
“Adeer maahmaahdaasi aniga ma oran,” ayuu yiri odaygii, “Soomaali ayaa leh. Yaraa wax daacad kuugu hiilliyo sida Jabuuti iyo Turkiga. Nin soor ku siiyay waa nin kaaga gargaaray baahi maalin taagan; nin talo ku siiyayna waa nin kaaga gargaaray baahi jiritaankaaga ku dhisan. Baahida ugu weyn ee ay Soomaaliya qabtana waa tu qarameed—oo in la badbaadiyo mudan.”
“Haa laakiin,” ayuu yiri Cawil, “nin bogga gaajo ku hayo hadal iyo talo maxay ugu fadhiyaan?”
“Adeer meeqo jir ayaad tahay?” ayuu yiri odaygii.
“Labaatan sano,” ayuu yiri Cawil.
“Qax-ku-kor,” ayuu yiri odaygii, “quud ma ahanee qaran kama maqna.”
“Macnahaa?” ayuu yiri Cawil.
“Qarankii Soomaaliyaba siduu u burburay,” ayuu yiri odaygii, “da’ yarta adigoo kale ah fikirkaa ka qalloocmay. Oo halkii qaran la sahmin lahaa, tahriib iyo caasimadaha adduunka ayaa la hadal-hayaa. Kii idinka weynaana dallaalnimo iyo qiyaano qaran ayuu sahansadaa—oo sidaas quud ku raadiyaa.”
“Quruxda hadalkaaga,” ayuu yiri Cawil oo muusoonaya, “iyo fool-xumada afkaaga waa kaaf iyo kala dheeri.”
“Nabad-gelyo,” ayuu yiri odaygii.
“Laakiin magacaaga weli iima aadan sheegin,” ayuu yiri Cawil, “aniga Cawilaa lay dhahaa.”
“Magac-laawe,” ayuu yiri odaygii oo sii dhutinaya isagoo bakooraddiisa cuksanaya, “magacaygu waa Magac-laawe.”

Qeybta 2-aad
Nayroobi, Keenya
Shir ah dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa loo fadhiyaa. Waxa marti-soor lagu yahay Kenya. Qol ballaaran ayaa lagu dhex shirayaa. Waxaa miis dheer oo wareegsan ku teedsan ergo hab qabiil ku socdo. Waxa shirka joogay goob-joogayaal caalami ah, hey’ado aan dawli aheyn, safiirrada IGAD, iyo madax ka socotay UN-ta.
“Shirka maanta waa isbarasho iyo isa soo dhaweyn,” ayuu yiri Ergeygii ay beesha caalamku u xilsaaratay inuu dhexdhexaadiyo Soomaalida goobta soo xaadirtay, “illaa labo todobaad ayaad marti inoo tihiin. Dal iyo dad ayaa idin dhowraya. Hadafka shirku waa inaad idinku noogu yaboohdaan xalkii waddanka—annaguna waxaad naga taqaaniin hiil iyo hoo wixii aad naga mudan tihiin. Xasuusnaada, xerada qaxootiga ee dunida ugu weyn waxa ku jira dadka aad matashaan ee Soomaaliyeed. Nin walbow xal-doonka ka hormari xil-doonka.”
Waxaa sacabbo loogu jiiday Ergeygii. Shirkiina muddo gaaban ka dib wuu xirmay. Waxaa ergeydii Soomaaliyeed loo sagootiyay hoteelkii loo ijaaray. Ballantuna waxay aheyd in subaxda xigto la isugu soo noqdo miiska wadahadalka.

Qeybta 3-aad
Waa siddeedii fiidnimo. Rag mugdiga habeennimo isku qarinayo ayaa u soo kala dhuumanayay Safaaradda Itoobiya ee Kenya. Waxay gooni gooni ula kala faqayeen xoghayaha safiirka Itoobiya. Saacado ka dib, raggii oo qosolkooda la maqli karo ayaa labo labo iyo saddex saddex u soo baxay. Mugdigii ayay ku dhex libdheen iyagoon la garan muuqooda—sida aan loo garanba wixii ka farxiyay ee ay la qoslayeen.

Qeybta 4-aad
Xamar, Soomaaliya
Islaan ayaa buul ku dhex karinayso shaah. Waxaa ay dadka ku soo jiidataa inay BBC uga shiddo raadiyo sameecado waaweyn leh.
Warkii BBC-da:
Wararka ka imanaya caasimadda magaalada Nairobi ee Kenya ayaa sheegaya in maanta uu si rasmi ah u furmay shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaalida. Waxa shirka furay Ergeyga qaaska u ah arrimaha Soomaaliya kaasoo xasuusiyay ergada Soomaaliyeed in ay daacad ka noqdan geeddi-socodka nabadda. Waxaa sidoo kale madasha shirka talooyin iyo tusaale ka jeediyay abwaanno, oday dhaqameedyo, iyo madax ka socday beesha caalamka. Waxa berrito aroornimo lagu wadaa in uu furmo wejiga labaad ee shirka iyadoo lagu wado in uu shirku socdo labo todobaad. Wixii soo kordha waxaynu idinku soo tebin doonnaa barnaamijyada soo socdo.
“Allow hadal kheyr qaba,” ayay tiri islaantii oo shaah ku shubeyso koobab, “Allow hadal kheyr qaba ka soo yeersii.”

Qeybta 5-aad
Nayroobi, Keenya
Goobtii shirkii Nairobi ayaa la fadhiyaa. Muran baa socday.
“Ergeyga ayaa na kala sari doono,” ayay rag lahaayeen, “ha yimaado.”
“Bal ciddii idiinkaga liidato ha la arko,” ayay lahaayeen kuwo ka soo horjeeday, “yaad matashaan? Oo idin soo dirsaday?”
Iyadoo sidii loo murmayo ayaa waxaa bannaanka qolkii shirka ka soo muuqday gaari madow, kala jiidan, lehna muraayado madow. Waxaa gaarigii ka soo degtay Ergeygii daadihinayay shirka dib-u-heshiisiinta. Koox weriyayaal oo Soomaali u badan tahay ayaa ku soo yaacay—oo mid sawir ka qaado, mid filin ka duuba, iyo mid makarafoon caasha ka geliyay ayay noqdeen. Ergeygii oo aan cidina u jawaabin ayaa socod boobsiis ku galay qolkii shirka. Ciidan nabad-sugid ah ayaa isku soo laabay ilbaabadii qolka shirka—u diidayna in uu weriye galo.
“Shirku wuu furan yahay,” ayuu yiri Ergeygii oo isha la raacaya wejiyada cusub ee soo buuxiyay kuraas horay u bannaaneyd—yirina, “wejiyo cusub ayaa ii muuqda saakay.”
“Mudane waa rag qas iyo qalalaase doonaya,” ayuu yiri ergey Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwii horey u joogay shirka.
“Mayee Mudanow raggaan meesha fadhiyo nama matalaan,” ayuu ku dooday mid ka socday raggii ku cusbaa qolka shirka.
“Looma dhamma!” ayuu cod gadaal ka soo yiri. “Shirka looma dhamma.”
Waxaa si maqsuud iyo farxadi ka muuqato u dhoollacaddeeyay xoghayihii safiirka Itoobiya.
Ergeygii inta il-biriqsiyo aamusay ayuu neef soo tufay.
“Haddaba ragga shirka ku soo biirow,” ayuu si dabcan u yiri Ergeygii, “sheegta: yaad matashaan?”
“Mudanow cidi ma matalaan,” ayuu cod meel gees ah ka yiri, “waa is qorqor.”
“I maqla,” ayuu yiri Ergeygii, “si xal loo helo, waa in shirka loo oggolaadaa dadka siyaasadda isku haya—oo ay taladu ka soo go’do.”
Waxaa is celin waayay xoghayihii safiirka Itoobiya, oo isku daray sacabbo-tumis iyo dhoollacaddeyn. Saa waxaa ku raacay oo sacaba-tumay ergedii dib ka timid shirka.
“Haddaba ragow yaad matashaan?” ayuu ku celiyay Ergeygii oo qalin dul dhigaya buug miiska u saarnaa.
Waxaa is eegay ergedii dib ka yimid shirka.
“Mudanow mid waan kuu hubnaa,” ayuu yiri mid iyaga ka mid ahaa, “annaga nama matalaan raggaan meesha shalay nooga soo hormaray; cidda aan matalnase waa laga tashan karaa, haba ugu horreeyaan reerkeenna—iyo wixii kale ee aynu ood-wadaag nahay, ee nagu hoos nool.”
Waxaa durbadiiba hadalka dafay xoghayihii safiirka Itoobiya.
“Mudanaha sharafta lahow,” ayuu yiri, “fadlan in yar hakad inoo geli shirka—oo fasax gaaban na sii.”

Qeybta 6-aad
Xamar, Soomaaliya
Waxaa uu Cawil saanta la sii qaaday odaygii dhutinayay.
“Su’aal ma ku weyddiin karaa?” ayuu yiri Cawil, “sidee buu kuugu baxay magacan ‘Magac-laawe’?”
Odaygii inta socodkii hakiyay ayuu eegay Cawil. Oo misana sii dhutiyay.
“Su’aal ma ku weyddiin karaana waad i leedahay,” ayuu yiri odaygii, “anigoon haa ama maya ku oranna waxaad i weyddiisay su’aashii.”
Waxaa qoslay Cawil. Odaygii socodkii ayuu sii watay.
“Wiilyahow ogow,” ayuu yiri odaygii oo ilkaha ku feenanaya laan jaad ah, “lix magac ma yeelato.”
Cawil waxa uu eegay odaygii—oo aamusan yahay.
“Qabri nin ka hoos maray,” ayuu odaygii hadalka ku billaabay, “qarankiisu nin uu burburay, qaxootinimo nin daa’imay, dalkiisa nin qoonsaday, dadkiisa nin quursaday, ama himmad hoose nin ku qancay.”
Odaygii waxa uu tufay taqsiin ku raagtay afkiisa—tu cusubna afka ku guray.
“Magacaygu wuxuu dhintay,” ayuu yiri odaygii, “maalinkii uu gabbalku u dhacay qarankii Soomaaliyeed.”
“Soomaalida,” ayuu yiri Cawil, “nimaan magac laheyn ma jiro, waddankana way u dhashteen.”
Odaygii inta si caro leh u tufay taqsiintii cusbeyd ayuu bakooraddii hawada ku laliyay sidii inuu ku halgaadayo wiilka.
“I maqal,” ayuu yiri odaygii oo ay mergiyadu soo baxeen, hadalkana qasab ku soo saaraya, “adeerow mar danbe ha i oran waddankan ayaa dad u dhashay.”
Cawil inta sasay ayuu dib u booday. Odaygii waxa uu weli kor u hayay bakooraddii. Oo inta neef weyn soo tufay ayuu sii dhutiyay. Cawilna wuu soo daba-galay.
“Oday nooc kale ahaad tahay,” ayuu yiri Cawil, “ma waalnid, mana fiyoobid.”
Waxa qosol ka soo fakaday odaygii—Cawilna waa u cammiray.
“Su’aal,” ayuu yiri odaygii.
“Jawaab,” ayuu la soo booday Cawil.
“Horta waddanka ma ku dhalashaa?” ayuu yiri odaygii, “mise waa u dhalasho?”

Qeybta 7-aad
Islaantii waxa ay qaxminaysaa burjike. Jalmad biyo ugu jiraan ayaa dhinac taallay. Waxaa u shidnaa warkii BBC-da.
Warkii:
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku soo saaray in burcad-badeedda la iska caabbiyo oo lagu baacsado gudaha biyaha Soomaaliya. Sidoo kale dalka Boqortooyada Ingiriiska ayaa Golaha Ammaanka u gudbiyay nuqul uu ku qoran yahay in waddanka Soomaaliya la saaro cunaqabateyn adag maadaama ay ku guul-darreysteen in ay ka hor tagaan burcadbadeednimada korodhay. Dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Faransiiska, iyo Panama ayaa ugu baaqay Midowga Yurub, urur weynaha NATO, iyo dunida kale in si wadajir ah loogu soo wada jeesto oo hab militari lagu wajaho burcadbadeednimada si loo ilaaliyo gargaarka cunnada loo wado Soomaalida.
Dhanka kale dalka Ruushka ayaa dawladaha dunida ugu baaqay in denbi laga dhigo burcadbadeednimada iyo in la yagleelo maxkamado ilaa heer caalami ah oo dacwado ku soo ooga burcadbadeedda. Dalal ay ka mid yihiin Shiinaha, Hindiya, iyo Iiraan ayaa iyaguna la hadal hayaa in ay ku biiraan ololaha looga hortagayo burcadbadeedda.
Waxaase xusid mudan in maanta oo ay Golaha Ammaanku soo saareen go’aankan ay burcadbadeedda Soomaaliya af-duub ku qabsadeen afar doonyo oo laga kala leeyahay Shiinaha, Turkiga, Malaysiyo iyo weliba laash si gooni loo leeyahay.
Islaantii oo dhegta u raaricineysay warka ayaa yaabtay, afkana maroojisay.
“Xaggee jireen,” ayay tiri iyadoo isla hadleysa, “markii kalluunka baddeenna la bililiqeysanayay? Markii kalluumaysatadeenna laga baacsanayay baddooda? Markii sunta lagu aasayay baddeenna? Kuye gargaarka cunnada ayaa la ilaalin. Illeyn nin kaa xoog badan been waa u xarrago! Waxaasoo dhan waxa na baday waa raggeenna oo caqli iyo karti mooday in BBC-da laga dhaho ‘Looma dhamma.’ Gurigiin ba’.”

Qeybta 8-aad
Nayroobi, Keenya
Waxaa qol ku wada faqaya xoghayihii safiirka Itoobiya iyo ergedii dib ka timid shirka dib-u-heshiisiinta.
“Horta mid iska ilaaliya,” ayuu yiri xoghayihii, “ha u ekaanina dad aan aqoonin cidda ay matalayaan. Sheegta beesha aad ka timaaddeen. Iyo gobollada aad ka timaaddeen. Iyo meel aydaan ka imaanba. Xasuusnaada, shirkii Addis Ababa ee 1993 waxa ay dawladdeenna Itoobiya ku talisay in ay
Soomaalidu wax ku qeybsato goboleysi. Haddaba doorkiinna ciyaara—sidii aad haddaayay u tiraahdeenba looma dhamma. Waad iga farxiseen—Boqor Minilikna maanta wuu idin boqri lahaa. Siyaasadda xalay ayaad soo gasheen, waxaadse maanta u hadasheen sidii inaad tihiin quburo siyaasadeed.”
“Mudanow,” ayuu yiri nin ku jiray ergedii Soomaalida ahaa, “safiirka Itoobiya goormuu nala kulmayaa?”
“Safiirka wuxuu ka dhashay dad,” ayuu yiri xoghayihii, “iyaga ayuuna u shaqeeyaa, oo ku mashquulsan yahay.” Waxaa is eegay raggii.
“Oo xalay si kale ayaad u hadleysayee?” ayuu yiri mid, “waxaad tiri safiirka ayaad hadda ka dib si toos ah kala xiriiri doontaan wixii talo iyo hagis quseeya.”
“Soomaaliyeey i dhageysta,” ayuu yiri xoghayihii, “annagu sidiinnoo kale uma shaqeynno. Mowqifkeennu waa mid. Oo go’aankeennu waa hal laga soo billaabo Raysul wasaaraha illaa laga yimaado safiirrada illaa laga soo gaaro xoghaynta aniga oo kale ah. Marka wixii talo iyo hagis ah aniga ayay idiin soo mari doonaan hadda ka dib.”
“Laakiin…” ayuu yiri ergey kale.
“Aamus!” ayuu amar ku bixiyay xoghayihii oo ergeygii hadalka ku kala goonaya, “hawl baa idiin taallo. Ballanteennu waa wixii aynu xalay ku heshiinnay safaaradda iyo eraygii looma dhamma. Haddii kale waxba idiinma soconayaan. Ogaadana haddii ay dawlad Soomaaliyeed dhisanto, kulligiin denbi ayaad ka gasheen waddankiinna, oo maxkamad ayaa la idin soo taagi doonaa, xukunkiinuna wuxuu noqon doonaa dil toogasho. Marka waxaad ku badbaadi kartaan waa ereyga looma dhamma! Inta uu jiro ereygaas ayuu magaciinuna jiraa—iyo weliba xaafado ama deegaanno aad madax ka tihiin oo aad canshuur ka qaadataan.”
Ergeydii mid walba mid kale ayuu eegay. Oo ay aamuseen.

Qeybta 9-aad
Xamar, Soomaaliya
Cawil iyo odaygii waxa ay ka soo baxeen luuq. Oo waddo dheer cagta soo saareen.
“Ma aqaan,” ayuu yiri Cawil, “farqiga u dhexeeya waddanka oo lagu dhasho iyo waddanka oo loo dhasho.”
Odaygii wuu sii dhutiyay.
“Bal ii sharrax,” ayuu yiri Cawil.
Odaygii waxa uu ruugayay taqsiintii afka ugu jidhay—sida uu u ruugayayba wuxuu ugu jawaabi lahaa Cawil.
“Nin waddan u dhashay,” ayuu yiri odaygii oo bakooraddiisii ku dhutinaya, “waxaa lagu yaqaan inuu ku faano dalkiisa iyo dadkiisa—oo ma qoonsado, mana quursado. Waxaa lagu yaqaan inuu u danqado. La gaajoodo danyarta. La faqo bulshadiisa. Oo qarankiisa xume u diido. Inuu walaalkiis u oggolaado daadihinta siyaasadda dalka. Inuu yureeyo dallaalleyda sokeeye iyo daneystaha shisheeye. Oo uu calanka buluugga ah liicasho u diido. Kaasaa waddanka u dhashay—haba ka yimaado dibadda,e.”
Odaygii waxa uu afka ku guray laamihii u danbeeyay ee jeebka ugu jiray.
“Dhanka kale,” ayuu yiri odaygii “nin waddanka ku dhashay, waa mid un iskaga dhashay dhulka Soomaaliyeed. Hayeeshee aan weli gaarin dareen waddaninimo iyo qab Soomaalinimo. Qofkan oo kale waxa uu u dallici karaa waddani u hiilliya dalkiisa ama caada-qaate luggooyo dalkiisa iyo dadkiisa. Oo qalinka wax ku xado. Wax bililiqeysto. Gabdhihii faraxumeeyo. Nabadda hagaardaameeyo. Oo idaacadahana ka yiraahdaa ‘Looma dhamma.’ Wuxuu u hanqal-taagaa inuu qaxootinimo bilaa macno ah isaga noolaado. Oo aan waddankiisa waxba u soo kordhin. Wiilyahow, nin waddanka ku dhashay la mid ma ahan nin waddanka u dhashay—xag dareen iyo xag hiilba.”
Cawil waxaa uu dhuuxayay hadalkii odayga—oo dhinac socday.

Qeybta 10-aad
Addis Ababa, Itoobiya
Jewigu wuu degganaa. Bilicda magaaladu indho-qabad ayay laheyd. Nin risiq doon ah iyo nin dan kaleba lahaa waxay cammireen waddadii faras-magaalka. Baabuur rakaab iyo kuwo xammuulba laamiyada waaweyn ayay jiho walba u kala gooshayeen. Ciidanka taraafikada ee hagta baabuurta iyo kuwa nabad-sugiddaba waxa ay si teel teel ah ugu kala firirsanaayeen magaalada. Saro dhaadheer ayaa magaalada dhex qotomay—saro ay ka mid tahay xarunta Ururka Midowga Afrika. Meeshu waa Addis Ababa, caasimadda Itoobiya.
Qol lagu kulmo ayaa waxaa wada fadhiya rag iyo haweeney ka socday dawladda Itoobiya. Waxaa mid walba hor qotomay makarafoon. Waxaana dhinac yaallay cabitaan biyo cad ah. Waa shir ay albaabadu u xirnaayeen.
“Maanta waa kal-fadhigeennii lixdanaad ee rubac-sanadlaha,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Itoobiya, “oo ku aaddanaa arrimaha Soomaaliya iyo sidii laga yeeli lahaa haddii ay u bilato dawlad leh heybad iyo hannaan. Ogaada lixdii sano ee ugu danbeysay xaalku weji cusub ayuu la soo baxay—oo ah mid salka ku haya baraarugga shacabka oo ka daalay dagaal-ooge aan magaciisa saxiixi karin. Bal xoghaynta xafiiskeyga ka dhageysta warbixin kooban oo arrintaas quseysa.”
Waxaa makarafoonkiisa afka u dhaweeyay xoghayaha.
“Waad mahadsan tahay mudane,” ayuu yiri xoghayihii xafiiska arrimaha dibedda, “haddii aan dulmar kooban ku sameeyo meesha ay arrimaha Soomaaliya haatan marayaan, xaaladda Soomaaliya horta nabarkii aan la beegsannay waan la helnay. Weli iyaga ayaa isku sii jeedo. Jabkooda waa jiritaankeenna. Hayeeshee waxaa jira isbeddello soo guuxaya.
“Soomaalida waxay ka soo daali rabtaa colaadaha, oo waxa ay ku kaceen dagaal-oogayaashii. Oo kaaga daranee Somaliland iyo Puntland nabad iyo nidaam ayaa muddo ka jirtay. Meelihii uu dagaal-ooguhu ku harsanaa waad aragteen oo shacabka ayaa tashaday oo kacdoon isaga saaray dagaal-oogayaashii noo shaqeyn jiray. Cabsi ayay arrintan nagu heysaa.
“Cabsida ugu weyn waa Soomaaliya oo dib cagaheeda ugu istaagto, oo midowdo, qaasatan haddii ay dhadhamiyaan nabad iyo nidaam—oo ay rajo iyo nolol u soo noqoto. Arrinkaasi waa qatar. Waa jabkeenna. Waxay soo dedejinaysaa in mar labaad ay midoobaan Koofurta iyo Waqooyiga.”
“Intaas waan la soconnaa,” ayuu yiri gaashaanle Itoobiyaan ah oo hadalka ku kala gooynaya xoghayihii xafiiska arrimaha dibedda, “laakiin u gudub wixii talo-bixin ahee cusub ee xafiiskiinna ku soo kordhay.”
“Waa runtaa, Mudane,” ayuu yiri xoghayihii xafiiska arrimaha dibedda oo taaygii surka ugu xirnaa toosisanaya, “een, markii aan dhan walba ka eegnay arrimahan iyo halista ka iman karta, waxaynu isku raacnay dhowr qodob oo ka hor-tag ah illaa iyo xad.”
“Oo ah?” ayay tiri haweeney ka socotay xafiiska raysulwasaaraha Itoobiya.
“In labo arrin la kala saaro,” ayuu yiri xoghayihii xafiiska arrimaha dibedda, “oo si kala duwan loola dhaqmo.”
Raggii iyo haweenaydiiba waxa ay dhammaantood isha ku wada hayeen afka xoghayaha—oo sugayeen hadalka uu soo wado.
“Kow,” ayuu yiri xoghayihii oo hadalkiisa wato, “waa in la isku dheelli-tiraa awoodda xoogagga siyaasadda ku dagaallamaya. Tusaale ahaan, si aysan awoodda Shabaabku u wada guuleysan, waa in laga hor-keeno xoog hakiya—xoog ka soo dhex-baxa Soomaalida dhexdeeda. Si taas loo helo, Itoobiya waxa ay qaadday tallaabooyin wax ku ool ah sida abuurista iyo qalabeynta ciidamada wadaaddada Ahlu-Sunna. Sidoo kale waxaynu hub siinnaa miliishiyo aan hoos-tegin dawladda ku-meel-gaarka, oo annaga naga amar-qaato si loola dagaallamo Shabaab. Ogow, intaan oo ciidan ah keliya waxaa loogu tala-galay in ay hakiyaan faafidda Shabaab si ay Soomaalidu iyagu isugu mashquusho ebed. Marar badanna Itoobiya ahaan annaga ayaaba si toos ah u galno gudaha Soomaaliya si la isugu dheelli-tiro awoodda xoogagga hubeysan.”
Waxa madaxa luxay oo hadalkii la dhacay wasiirkii arrimaha dibedda.
“Haye,” ayuu yiri safiirka Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay, “waa maxay arrinta labeysa middan koowaad ee ah isku dheelli-tirka awoodda kooxaha ku dagaallamaya Soomaaliya?”
“Midda labaad,” ayuu yiri xoghayihii xafiiska arrimaha dibedda, “waa in aan Soomaaliya laga qaadin cuna-qabeynta xagga hubka ah. Konton iyo sagaalkii kulan ee aynu isla qaadannayba Itoobiya waxay ku celcelisay qodobkan. Haddii xilligan ay Golaha Ammaanku oggolaadaan in Soomaaliya ay soo degsato hub ay u madax-bannaan yihiin, waxay taasi keenaysaa labo arrin midkood. Kow, waxa uu hubkaasi gacanta u galayaa Shabaabka—oo taa nooma roona. Ama labo, waxa qooqi doonto oo uu damac geli doonaa dawladda Soomaaliya oo weerar dhul-ballaarsi ah ku qaadi doonto deegaannada Soomaaliyeed ee hoos yimaada Itoobiya. Waa labo kala daran mid dooro.
“Marka waa in beesha caalamka laga dhaadhiciyo in aan Soomaaliya laga qaadin cuna-qabateynta hubka. Sababtu waxay tahay waxaa ku filan hubka AMISOM. Sidoo kalena waa in Ugaandha iyo Burundi la xasuusiyo in qandaraaska ciidamadooda uu ka joogsan doono haddii Soomaaliya loo oggolaado inay hub soo degsato oo ay isku filnaato. Kuna bishaareysta inta ay Soomaaliya
cunaqabateynta hubka saaran tahay, waxaa hirgelaya qorshaha ah isu-dheellitirka awoodda xoogagga ku dagaallamaya siyaasadda Soomaaliya.”
Waxa uu xoghayihii qurquriyay biyihii u saarnaa miiska.
“Raalli ahaada,” ayuu yiri isagii oo koobkii dul saaraya miiska, “qodobka saddexaad waa in la xoojiyo ciidamada AMISOM. Iyaga ha noqdaan cududdii dawladda Soomaaliya. Oo AMISOM ha la qalabeeyo. Ha la tababaro. Ha la nooleeyo. Oo ha la nafaqeeyo. Waa ciidan lagaga maarmi karo in ay Soomaaliya yeelato ciidan awood leh—oo qatarteeda leh.
“Qodobka afaraad waa in qurbaha laga keeno aqoonyahan Soomaaliyeed. Ogaada Soomaalidu way ka daashay dagaal-ooge aan magaciisa saxiixi karin. Marka waa in la keeno rag qurbo-joog ah, oo aqoonyahan ah, hayeeshee aan laheyn mabda’ Soomaalinimo—oo wax lala cuni karo, oo aan waxba dhaammin dagaal-oogaha xag hunguri-xumo. Shacabka Soomaalidana ha lagu maaweeliyo in ay heleen rag aqoonyahan ah—annagana danta noogu jirto waa iyaga oo aan ka dhammeysanno saxiixa ay magaca dawladeed ku saxiixayaan danaheenna dhow iyo kuwa mustaqbalkaba. Waa iga intaa tala-bixinta.”
Waxaa uu xoghayihii xafiiska arrimaha dibedda qurquriyay biyo u saarnaa miiska.
“Waad mahadsan tahay xoghayow,” ayay tiri haweeneydii ka socotay xafiiska raysulwasaaraha Itoobiya, “sidoo kale mahadsanid wasiirka arrimaha dibedda. Waqti iyo fikir dheer ayaad geliseen talo-bixintiinna. Laakiin talooyinkan waa kuwo ku taxalluqo waaqaca iyo isqabqabsiga maanta taagan—oo ah mustaqbalka dhow. Waa iga su’aalee, ma isla falanqeyseen oo ma heysaan talooyin ku aaddan mustaqbalka fog ee arrinta Soomaaliya?”
Waxaa qosol gaxgax leh ku dhuftay wasiirkii arrimaha dibedda.
“Qorshe iyo talo waynu heynaa,” ayuu cod deggan ku yiri, “qorshe u cuntamaya maslaxadda qaaska ah ee Itoobiya mustaqbalka fog.”
“Oo ah?” ayay tiri haweenaydii oo qalinka ku boobeysa buug hor fidsanaa.
“Kow, in Soomaaliya laga faramaroojiyo talada aayaheeda,” ayuu la soo booday wasiirkii arrimaha dibedda, “oo ay magan u noqoto talada IGAD labo dheh, inay daa’into u-gacan-hoorsiga UN-ta saddex dheh, iyo in dawlad-goboleedyo is ximanaaya loo sameeyo afar dheh.”
Waxaa qolkii saaqday aamusnaan kooban. Talooyinkan ayuu ruux walba ruugayay—iyo sidii loo meelmarin lahaa.
“Ma xuma,” ayay tiri haweenaydii ka socotay xafiiskii raysulwasaaraha, “waa talo aad looga soo fikiray. Kuwo kalena waa lagu sii dari karaa. Hayeeshee waa iga su’aalee waa tuma cidda dhaqan-gelinaysa taladan?”
Waxa ay dhammaantood u wada jeesteen miiskii uu fadhiyay wasiirkii arrimaha dibedda Itoobiya.
“Taa waa sahal,” ayuu yiri wasiirkii isaga oo afka u dhaweynaya mikarafoonka, “isla Soomaalida ayaa qorshahan dhaqan-gelinaysa.”
“Sidee?” ayay tiri haweenaydii.

Qeybta 11-aad
Nayroobi, Keenya
Waxaa gurigiisii soo galay Ergeygii Soomaaliya u qaabilsanaa beesha caalamka. Labo caruur oo uu dhalay ayaa ku soo orday. Inta jilib dhulka dhigay ayuu jilibka kalena cuskaday. Wuu dhunkaday. Oo ka qoslisiiyay. Oo laabta ku qabsaday sidii inuu qarniyo ka maqnaa.
“Waryaahadee ka leexda aabbe wuu daalan yahaye,” ayay tiri xaaskiisa, “caawo waxaan kariyay cashadii aad jeclayd. Isa soo diyaari.”
Ergeygii inta ku soo jeestay xaaskiisa ayuu dhabanka calaacasha ka mariyay.
“La’aantaada nolosha waa igu adkaan laheyd,” ayuu yiri isagoo muusoonaya, “abaal ayaan kaaga hayaa sida aad noo garab taagan tahay aniga iyo caruurta.”
“Safarkaaga Soomaaliya lama baajin karo miyaa?” ayay tiri xaaskiisa oo beddelaysa mowduuca, “waa halis. Noloshaada iyo mustaqbalka caruurtaada ayaad qatar gelinaysaa.”
Waxa uu Ergeygii u dhaqaaqay qolkii jiifka isagoo taaygii u xirnaa iska sii furaya.
“Horta markii aan Soomaaliya kaala hadlo maxaad ii inkirtaa?” ayay tiri xaaskiisa oo qolka ka sii daba-gashay, “ma hadalkeyga ayaa raqiis kula ah? Mise adiga ayaysan geeridu ku karin?”
“Boqol mar ayaan kuu sheegay,” ayuu yiri Ergeygu, “beenta ay idaacaduhu buunbuuniyaan ha dhegeysan—halista la sheegsheegayo waa buunbuunis.”
“Idaacadaha aad sheegaysid yaa u warrama oo uga sheekeeya arrimaha Soomaaliya?” ayay tiri xaaskiisii, “ma cid aan adiga aheyn ayay ka helaan wararka quseeya halista iyo halaagga ka socda Soomaaliya? Mise adigaa beenaale ah—oo u sheeko-xumeeyo idaacadaha?”
“Fadlan codkaaga hoos u dhig,” ayuu yiri Ergeygii, “Soomaaliya haddii aan tago dhib ima gaarayo. AMISOM ayaa joogta. Ilaalo Soomaali ah ayaa joogto. Waxba ima gaarayaan.”
“AMISOM iyo ilaalo kaleba maxay kaa celin karaan?” ayay la soo boodday xaaskiisa, “soo iyaga maalin walba meydkooda waddooyinka la soo waro?”
Markii ay intaasi tiri ayay is celin weysay—oo af labadii boohin furatay. Ergeygii inta dhinaceeda u soo jeestay ayuu u soo dhaqaaqay, habna siiyay, oo illinta ka tirtiray.
“Waxaan kuu ballan qaadayaa,” ayuu yiri, “inaysan waxba i gaari doonin. Mashruucan ay beesha caalamku ii wakiilatayna waa gabogabo. Markuu dhammaadana waxaan u guureynaa meeshaan doonno adduunka oo aan guryo iyo dhul ka gadaneynaa. Waxaa la ii ballan qaaday mag-dhow ku filan illaa todobo fac oo caruurteena iyo faracooda ah. Waxaa kaloo la ii ballan qaaday in caruurta la siin doono waxbarasho bilaash oo heer jaamacadeed ah. Marka fadlan igu garab istaag af iyo addinba sida aan mashruucan u dhammeystiri lahaa adigoo eegaya danteenna iyo tan caruurteennaba—haatanna waa gabogabo, oo mar dhow ayuu hirgeli doonaa, ciddii diidana waxaa naga kaafisa cududda militari ee AMISOM iyo cunaqabateynta beesha caalamka.”
Xaaskiisa iyadoon jawaabin ayay illintu ka dareeraysay. Saa kor ayay u soo eegtay ninkeeda.
“Horta waa iga su’aalee,” ayay tiri, “waa maxay mashruucan aad ku celcelineysid in laguu xil-saaray?”
“Arrintaasi waa sir culus,” ayuu yiri Ergeygii, “waa sir culus. Classified.”

Qeybta 12-aad
Xamar, Soomaaliya
Odaygii waxa uu buufta ku hayaa sigaar. Cawil ayaa garab socday.
“War heedhe maad iga hadhid,” ayuu yiri odaygii, “awalbay i cusleeyeen ciilka qaran la’aan iyo ceebta qaa’inul waddanka,e.”
Cawil wuu qoslayaa.
“Waxaa beryahakan nagu soo batay,” ayuu yiri odaygii, “rag af-Soomaaliga ku hadlo, hayeeshee aaminsan afkaaro shisheeye oo hagardaamo ku haya qarannimadii Soomaaliya.”
“Dadka ma iyagaa wada xun?” ayuu yiri Cawil, “oo wada daba-dhilif ah?”
“Anigu ma oran ereyga daba-dhilif,” ayuu yiri odaygii, “ogowse inta badan daba-dhilifyadu ma tiro badna—oo sidii la arki jiray waxay ku haraqmaan mowjadaha waddaniyiinta u heellan danaha dalka, dadka, iyo diinta.”
“Sida al-Shabaab oo kale maad ka waddaa?” ayuu la soo booday Cawil, “iyagaa u soo baxay shisheeyaha qasaya Soomaaliya.”
Waxaa qosol gaxgax leh ku dhuftay odaygii—oo socodkiisana sii watay.
“Su’aal?” ayuu yiri odaygii oo ku dhutinaya bakooraddiisii, “labo arrin haddii ay ku qabsato tee dooran laheyd?”
“Labo arrin oo see ah?” ayuu yiri Cawil.
“Wiilyahow ka soo qaad,” ayuu yiri odaygii, “waxaad tahay digaagad korsaneyso ilmaheedii ay dhashay. Waxaa digaagaddii u yimid labo col. Mid waa xoor, midka kalena waa mas. Xoorkii wuxuu yiri, ‘Digaagadyahey adiga ayaan ku cunayaa—oo haatan ayaan hilibkaaga miciyaha saarayaa.’ Maskii weynaana wuxuu yiri, ‘Digaagadyahey iska noolow. Iska cun, oo cab. Hayeeshee ogow dhashaada yar yar ayaan mid mid u liqayaa—oo halna kuuma hambeenayo.’”
Cawil wuu aamusan yahay.
“Haddii aan arrinkaasi ku xiro waaqaca maanta,” ayuu yiri odaygii, “kee baad dooran laheyd nin adiga ku yiri aan maanta dabka ku saarto, hilibkaagana dubto oo ku quuto; iyo nin ku yiri maanta iska noolow, laakiin berrito ii daa oo aan dabka saarto hilibkii caruurtaada?”
Waxaa aamusay Cawil.
“Kee dooran laheyd?” ayuu ku celiyay odaygii, “labadaa nin kee asxaan kuu sameeyay? Oo kuu sokeeyo?”

Qeybta 13-aad
Nayroobi, Keenya
Shirkii ayaa laga soo dareeray. Qolkii weynaa bannaankiisa ayaa la tuban yahay—oo fasax qado loo soo baxay.
Ergeygii daadihinayay shirka ayaa waxa dhexda gashtay weriyayaal Soomaali iyo ajnabi isugu jira.
“Shirka haatan waa gabogabo,” ayuu yiri Ergeygii, “meel fiicanna wuu marayaa, oo waxaa socdo wada hadal lagu qeybsanayo kuraasta. Oo loo qeybinayo qabiillada doorka weyn ka ciyaara siyaasadda Soomaaliya.”
“Mudane,” ayuu yiri weriye Soomaali ah, “ma dhab baa in ay jiraan qabiillo loo diiday madasha shirkan? Oo la ceyriyay?”
“Taasi waa been-abuur,” ayuu la soo booday Ergeygii, “cid walba oo door firfircoon ku leh siyaasadda Soomaaliyeed wuu u furan yahay shirka.”
“Marka aad leedahay door firfircoon ku leh siyaasadda Soomaaliya,” ayuu yiri weriyihii, “Mudane ma waxaad ka jeeddaa qabiillada hubka heysta—oo gacan-saar la leh Itoobiya?”
“I maqal,” ayuu yiri Ergeygii oo muusoonaya, “Soomaali shirkan way u dhan tahay qeybaheeda kala duwan. Cid gooni loo soo xushay ama cid gooni loo takooray midina ma jiraan.”
“Mudane ma laga yaabaa,” ayuu yiri weriye kale, “in maxkamad caalami ah la soo saaro shaqsiyaadkii ka danbeeyay burburka dalka iyo dadka?”
“Taa,” ayuu yiri Ergeygii, “waxay u taallaa Soomaalida. Laakiin ujeeddada miiskan wada-hadalka waa in la soo afjaro colaadda iyo dawlad la’aanta Soomaaliya.”
Weriye kale ayaa damcay inuu su’aalo weyddiiyo Ergeyga, hayeeshee waxaa u diiday nabad-sugiddii meesha joogtay, oo sii sagootisay Ergeygii.
Ergeydii Soomaaliyeed koox koox ayay isula faqayeen intii la sugayay qadada. Xoghayihii safiirka Itoobiya ayaa u yimaaday koox ergey ah oo meel tuban.
“Beesha caalamka,” ayuu yiri xoghayihii, “qorshe ayay u soo dhiibtay Ergeyga.”
Waxaa hal mar wada aamusay kooxdii uu u yimid.
“Qorshe noocma ah?” ayuu yiri mid iyaga ka mid ah.
“Qorshe ku aaddan sida loo dhisayo dawladda,” ayuu yiri xoghayihii, “oo meel waa kursiga madaxweynaha. Meel waa kan raysulwasaaraha. Meelna kan guddoomiyaha baarlamaanka. Taa waxaa garab-socota, qeybsashada kuraasta baarlamaanka oo uu guddoomiyuhu soo magacaabi doono iyo qaybsashada kuraasta wasiirrada oo uu raysulwasaaruhu soo magacaabi doono. Qabiillada siyaasadda isku hayana ay ku heshiiyaan kala qeybsashada tirada kuraasta—iyo in sidoo kalena qaar loo qoondeeyaa dumarka.”
“Mudanow,” ayuu yiri ergey Soomaaliyeed, “kursiga madaxweynaha annaga ayaa iska leh.”
Xoghayihii ayaa wejiga isku kaduuday—sidii qof aan fahmin hadalka.
“Sababka aan xaqa ugu yeelannay ma idiin sheegaa?” ayuu yiri ergeygii, “annagu hadafkeennu waa in la ciribtiro argagixisada, in Itoobiya loo saxiixo oo loo daayo dhulka ay xaqa u leedahay ee Soomaali Galbeed, in gobol walba oo Soomaaliya ka mid ah uu yeesho maamul ilaaliya danaha Itoobiya.”
Xoghayihii ilkaha ayuu qosol la caddeeyay—oo kala batbatay.
“Mudane intaas miyeysan ku deeqin?” ayuu yiri ergeygii, “annagu intaas aan sheegayba waynu fulineynaa—oo waxaan kaloon kuugu dareynaa hawlo kale. Sida in Itoobiya loo fasaxo inay canshuur la’aan isticmaasho dekedaha Soomaaliya; in la idiin soo musaafuriyo qolyaha nabadiidka ah ee waddankeenna ku dhex-dhuumanaya; iyo wixii kale ee aan isku af-garanno.”
Xoghayihii safiirka Itoobiya inta saacadda eegay ayuu muusooday.
“Beec raqiis ah ayaad heysaan,” ayuu yiri, “rag kale oo ka tirsan ergeyda ayaa ii yaboohay ballan-qaad ka fiican kiinna, oo iyaga xitaa si fiican iima sii qancinin. Waxaana dawladda loo caleemi-saari doonaa nin qanciya danaha Itoobiya oo beec fiican la soo shirtago. Iska sii qadeeya, waxaan sii raadinayaa cid kale oo ii yaboohda beec aan ku qanco—oo ay Itoobiya u aaydo.”
Raggii oo miiska qadada fadhiya ayuu xoghayihii ka dhaqaaqay isagoo xarragoonaya.

Qeybta 14-aad
Xamar, Soomaaliya
Cawil iyo odaygii way isla lugeynayaan.
“Su’aashaadu waa su’aal adag,” ayuu yiri Cawil oo lugta ku laadaya kubbad ka soo baxsatay dhallinyaro ku ciyaareysay waddada geeskeeda, “bal adigaan kugu soo xawilay, oo wax ka dheh.”
Odaygii waxaa uu tufay laamo jaad ah.
“Su’aalaha na horyaalla,” ayuu yiri odaygii, “waxay dhaafeen kuwo wax laga dhaho. Waxay gaareen kuwo laga aamuso—shib. Juuqna.”
Cawil waxa uu eegayaa dhulka, sidii ruux wax ka baaranaya. Odaygiina waxa uu afka ku gurayaa laamihii ugu danbeeyay ee jeebka ugu jiray.
“Adeer ogow,” ayuu yiri odaygii, “arrinku waa isma dhaanto iyo dhasheeda. Al-Shabaab sidii xoorka ayay maanta kuu dileysaa oo aysan waxna ula harin qarankii la oran jiray Soomaaliya iyo shacabkiiba. Oo ay soo dhaweysteen shisheeye, sokeeyihii Soomaaligii ahaana gowrac iyo barakicin ayay isugu dareen. Sidoo kale dallaalleyda haatan hor-boodaya dawladda iyo maamul goboleedyadana waxay sidii maskii sun culus la beegteen dhaxalkii jiilka soo socda, oo ay ka dallaalleen jiritaankii qaranka iyo kheyraadkiisaba.
“Haba fureen iskoollo. Haba fureen cisbitaallo. Haba fureen xafiisyo maamul. Haba fureen idaacado. Haba dhiseen meelo cusub. Mar haddii uu hoggaamiye walba talada uga danbeeyo Itoobiya iyo Kenya; mar haddii uu hoggaamiye walba ku hayo gobolkeygaay! gobolkeygaay! halkii uu oran lahaa qarankeygow! qarankeygow!; mar haddii goortii rajo soo iftiintaba uu mid caadaqaate la soo boodayo ereyga ah looma dhamma si uu dan qaas ah u gaaro; mar haddii hoggaamiye walba ay calooshu soo kuusan tahay halka dadkii ay mas’uulka ka ahaayeen ay hoostooda gaajo iyo harraad la dhimanayaan; mar haddii uu hoggaamiye walba u tartamayo u adeegista dano shisheeye iyo ku tumashada danaha iyo damiirka Soomaaliyeed; mar haddii uu hoggaamiyihii talada dalka hoos geeyay gumeyste cusub oo caddaan iyo madowba leh; mar haddii…mar haddii…iga daa, dhiigga ha igu karin,e. Qarankii Soomaaliya labadaas qolo ayuu ku maqan yahay.”
Cawil waxa uu eegayay odaygii. Wuxuu arkay illin ku soo istaagtay odayga.
“Soomaalida maanta joogta,” ayuu si dabacsan u yiri Cawil, “ma jirtaa wax ay u dhan tahay oo ay ku mideysan yihiin?”

Qeybta 15-aad
Addis Ababa, Itoobiya
Waxa ay haweenaydii ka socotay xafiiska raysulwasaaraha Itoobiya eegaysay wasiirka arrimaha dibedda—oo ay jawaab ka filaneysay.
“Qorshahaan waxaa meel-marinaya isla Soomaalida,” ayuu yiri, “waxaan hadalka ku wareejinayaa gaashaanlaha. Isaga ayaa hawlahaasi noo xilsaaran.”
Waxaa makarafoonka afka u soo dhaweeyay gaashaanlihii.
“Mahadsanid, jaalle wasiir,” ayuu yiri gaashaanlihii, “talada Soomaaliya annaga ayay maanta gacanta noogu jirtaa. Waxa diyaar noo ah rag Soomaali ah oo ciiddaas la tiro eg, oo noo shaqeeya, na maqla, na aaminsan. Dagaal-ooge ha dhihin. Maamul goboleed mid ka socda ha dhihin. Mid qandaraas kale wata ha dhihin.
“Marka su’aashu yeysan noqon yaa hirgelinaya qorshahan ee su’aashu ha noqoto taageero ma ka heli karnaa xafiiska raysulwasaaraha, midka IGAD, Golaha Ammaanka, iyo beesha caalamkaba? Taageero ah xag dhaqaale iyo xag siyaasadeedba? Aniguna waxa aan idiin ballan-qaadayaa in markii ay Soomaali heshiin rabtaba aan BBC-da soo fadhiisiyo mid ka mid ah raggaas inoogu jiro qaanadaha, oo aan afkiisa ka keeno inuu yiraahdo ‘looma dhamma’. Inta ay ‘looma dhamma’ ku hayaan waa inta ay ku sii raagi doonaan dawlad la’aan, goboleysi, colaado, abaaro, qaxootinimo iyo gacan-hoorsi joogto ah. Ka dibna waxaa noo fuli doono danaheenna mustaqbalka.”
Waxaa qolkii saaqay farxad iyo reynreyn.
Gaashaanlihii waa uu dhoollacaddeynayaa.
“Raggaan waa Soomaaliyee sidee ku aamini karnaa?” ayay tiri haweenaydii.
“Sahal,” ayuu yiri gaashaanlihii, “oo raysulwasaaruhuba wuxuu caalim ku yahay jawaabta su’aashaada.”
“Intaad iga dhaaftid waxa uu raysulwasuuruhu og yahay,” ayay tiri haweenaydii, “maad adiga i maqashiisid jawaabtaada?”
Gaashaanlihii dhoollacaddeyn been ah ayuu isku qasbay.
“Een…waa runtaa, marwo,” ayuu yiri, “haddii aan ku maqashiiyo jawaabta, Soomaalida hal mabda’ ayay ka siman tahay. Mabda’ ah in loo weyraxo, loo walaaco, la isku weheshado wixii quseeya qabyaalad iyo nin-xigsasho. Waxay ugu neceb yihiin ninkii kala hadlo danta guud. Waxay fogeeyaan, yasaan, doqon ku tilmaamaan, haddii ay rabaanna dilaan, ninkii kala hadla qaranimo iyo Soomaalinimo. Geesi waxay u yaqaaniin ninkii difaaco qabiilkooda. Indheergarad waa kii difaaca danta qabiilka. Abwaan waa kii gabay ku ammaano dagaalyahanka qabiilka. Wadaadkooda loogu jecel yahay waa midka qabiilka ugu nacamleeyo dulmiga, una fatwooda inay xaq ku taagan yihiin oo ay jannada geli doonaan ciddii ka dhimata. Iyaga Soomaalida ah ayaa horay isugu maahmaahay fiqi tolkii kama janno-tago.
“Saas ay tahayna, bin’aadan wanaag kama dhammaadee waxaa jiro hal hal dhif ah, oo daacad ah, karti iyo waxtarba leh. Laakiin isagana nasiib-darrada heysata waxay tahay waxaa harqiyay mowjado isasaaran—mowjado colaadeed, mowjado jahli, mowjado gaajo, mowjado madow oo mugdi ah. Nasiib-wanaag, isagoo kale waxaa fudud dilkiisa. Oo cid difaacaneysa ma heysto. Dadkiisu waxay difaacaan oo ay geesi u yaqaanaan ninka la dagaallama qabiillada kale—ninka hubka sita, oo wax burburiya, oo wax soo bililiqeysta, oo been iyo huuhaa ku hoggaamiyo.
“Dhanka kale, haddii uu midka daacadda ah ka badbaado dilka dadkiisa, waxaa nasiib kale ah in uusan ka badbaadi karin dilka shabaabka iyagoo lafahooda uga cabsanaya. Haddii uu shabaabka ka badbaadana waxaa uusan ka badbaadi karin sirdoonkeenna gudaha ugu jira Soomaaliya. Macnaha, sirdoonkeenna toos uma dilaanee waxa ay u wakiishaan mid ka mid ah raggaas qaanadaha noogu jira—oo iyagaa fagaare bannaan ah madaxa ka toogta. War qosol leh ma kuu sheegaa, marwooy?!”
Haweenaydii waxa ay madaxa kor uga soo qaadday qoraalkii ay ku boobaysay buugga.
“War see ah?” ayay tiri.
“Kaasoo kale,” ayuu yiri gaashaanlihii, “waxay Soomaalidu u taqaannaa ‘Looma ooyaan’!”
Hal mar ayay haweenaydii ku dhufatay qosol ay la muuqdeen lakabyadii hoose ee ilkaheeda. Raggii kalena qaar qosolkii ayay ku saxdeen, qufacna la dhiman gaareen.
“Oo kaaga daranee,” ayuu yiri gaashaanlihii oo qosol la fiqfiqleynaya, “cid uu u dhashay iyo cid uu ka dhashay ma jirto. Xitaa xigtadiisa soke ayaa iska fogeysa—oo yasto, haruufto, durto, docodeyso, sirta beesha ka qarsato, dilkiisana aan ka nixin. Gunaanadku waa: qorshahan waxa meel-marinayo isla Soomaalidee yaa ii ballan-qaadaya taageero? Xag dhaqaale iyo xag siyaasadeedba? Gudaha iyo dibeddaba?”
“Horta mid ku bishaareyso,” ayuu yiri wasiirkii arrimaha dibedda, “IGAD aniga ayaa mashruucan ka gadaya, oo ka dhaadhicinaya. Beesha caalamkana waxaa arrinkan ka dhaadhicin doono raysulwasaaraha. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobayna waxaa noo jooga safiirkan—oo ka dhaadhicin doona. Gaashaanlow adiguna waxaad u xilsaaran tahay wixii quseeya hubeynta dagaal-oogayaasha, dhisidda xarumo sirdoonkeennu ka hawlgalo, iyo kaalmeynta ragga Soomaaliyeed ee doonaya in ay dhistaan maamul-goboleedyo naga amar-qaato.”
“Mudanow,” ayuu yiri gaashaanlihii, “waxaa igu ballan ah in aad aragtid Soomaaliya oo u jarjaran maamul-goboleedyo—oo qabiil qabiil, jilib jilib, ilmo-adeer ka ilmo-adeer, iyo xitaa labadii walaalaha aheydba aan u kala jebiyo maamulo danaheena noo fuliyo.”
“Kulligiin mahadsanidiin,” ayay tiri haweenaydii ka socotay xafiiskii raysulwasaaraha Itoobiya, “waxaan talooyinkiinna u gudbin doonaa raysulwasaaraha—oo isaga ayaa tallaabo habboon ka qaadi doono arrimahan. Arrinta uu gaashaanlaha ka dhawaajiyay ee ah taageero gudaha iyo dibeddaba, ha welwelin gaashaanlow. Sida aan u hubo wadkeyga ayaan u hubaa in badi beesha caalamku ay saxiixi doonto taladii dhankeenna ka timaadda ee Soomaaliya ku aaddan. Shirku wuu xiran yahay.”
Waxa ay raggii iyo haweenaydii shirayay uruursadeen xaashiyihii iyo qalimadii miiska u daadsanaa, oo ku riteen boorsooyinkoodii. Qolkii shirka ayay hal mar ka wada dareereen.

Qeybta 16-aad
Islaantii waxa ay shubeysay dhowr koob oo shaah ah. BBC-da ayaa ka shidneyd buulkeeda.
Warkii:
Waxa heshiis kama danbeys ah laga gaaray shirkii dib-u-heshiisiinta ee muddooyinkan danbe ka socday xarunta magaalada Nairobi ee dalka Keenya. Waxaa la soo dhisay dawlad cusub oo ku-meel-gaar ah. Hayeeshee waxaa natiijadii ka soo baxday shirkaasi isla markiiba qaaddacay rag ka dhex muuqda siyaasadda Soomaaliya—kuwaas oo ku dooday in si xaq-darro ah loo qeybsaday kuraasta, yirina looma dhamma awood-qeybsiga.
Islaantii inta ku faraxday qeybta hore ee warka ayay misana niyad-jab ka muujisay markii ay maqashay qeybtii danbe. Rag meesha ka ag-dhawaa ayaa u riyaaqay warkii, kuna farxay in la mucaaraday natiijadii shirka.
“Ragannimo iga dheh,” ayuu yiri mid buulka ka shaaheynayay.
Islaantii inta eegtay ninkii oo farxad la weyraxsan ayay billowday in ay kirligeedii babisato.
“Dad aan mabda’ qaran laheyn,” ayay tiri iyadii oo isla hadleyso, “dal uma daneeyaan, dadkooda uma diir-naxaan, shisheeyahana isu dulleeyaan. Tolow duulkan Soomaaliyeed goormay ka xoroobi doonaan ereyga ‘looma dhamma’?”

Qeybta 17-aad
Waxaa isla caweynaya safiirka Itoobiya ee Kenya iyo xoghayihiisii. Labo dhalo oo qamri ah ayaa miiska u saaran—iyo koobab dhalo ah oo gudaha wax lagu shubto ay kor u kacsan tahay, lehna meel gacanta lagu qabsado oo sidii usha u dhuuban iyo sal wareegsan oo miiska qabsanaya.
“Horta mid xasuuso,” ayuu yiri safiirkii, “xukuumaddii Soomaaliyeed ee dadka cabburin jirtay waxay si kama’ ah inoo sameysay asxaan weyn.”
“Asxaan noocma ah?” ayuu yiri xoghayihii oo sigaar afuufaya.
“Soomaalida waxaa cilmi-nafsi ahaan ka dhaadhacsan,” ayuu yiri safiirkii, “in madaxa looga taagnaa, oo la cabburin jiray. Taa waxay dhalisay in Soomaaliga maanta jooga uu ka aamin-baxo Soomaaliga kale—lama tashado, la lamana tashado. Taa waxaa u sii dheer, kii is-bidaya tol iyo deegaanba waxaa ku qafilan madax noqo oo mar danbe yaan lagu cabburin.”
Waxaa si yasid leh carab-jilqin u sameeyay xoghayihii.
“Isku soo duub,” ayuu yiri safiirkii, “fikirka noocaas ah oo salka ku haya cabburintii xukuumaddii hore ayaa waxay maanta annaga Itoobiya ahaan fursad inoo siisay in uu Soomaaligu nagu kalsoonaado—oo talada naga qaato, talada walaalkiisana ka aamin-baxo, kuna gacan-seero.”
“Waa arrin soo daahday,” ayuu yiri xoghayihii, “waa riyadii Boqor Menelik in ka badan qarni iyo bar ka hor—laakiin annaga ayaa sharaftaasi helnay.”
“Adiga mid aan ku xasuusiyo,” ayuu yiri safiirkii, “Boqor Menelik iyo cid kale sheekada ka weyn—Soomaalidu ma ahan dad sahal lagu geli karo. Hayeeshee qilaafka dhexdooda yaalla ayaa boqonaha gooyay. Inta ay iyagu isku sii jeedaanna waxaa nooga hirgalay mashaariic faa’iido badan leh.”
Waxa ay safiirka Itoobiya iyo xoghayihiisaba isla dhaceen koobabkii qamrigu ugu jiray—qosol iyo isu hambalyeyn galeen.
“Hambalyo Itoobiya!” ayuu yiri safiirkii, “bal eeg faa’iidada koowaad, ma jirto cid hadalhaysa dhulka Soomaali Galbeed.”
“Hambalyo, Itoobiya!” ayuu yiri xoghayihii.
“Faa’iidada labaad,” ayuu yiri safiirkii, “in yar oo welwel ah naguma heyso deked la’aanta na haysata—oo maanta dekedaha Soomaaliya ayay badeecaddu nooga soo degataa. Haatanna Jabuuti ayaaba noo oggolaatay in la dhiso waddo tareen oo isku xira labada dal si rarka badeecaddu inoogu soo maro.”
“Hambalyo, Itoobiya!” ayuu yiri xoghayihii oo dhaladii qamriga kor u qaadaya.
“Faa’iidada saddexaad,” ayuu yiri safiirkii, “waa sirdoonkeenna oo gudaha ugu jira ubucda Soomaaliya, oo daqiiqad daqiiqad noogu soo tebiyo wixii xog ee muhiim ah.”
“Hambalyo, Itoobiya!” ayuu la soo booday xoghayihii.
“Faa’iidada afaraad,” ayuu yiri safiirkii, “waa adduunka oo nooga danbeeya talada xal-u-helidda
Soomaaliya—oo cid aan uga heybaysaneyno ma jirto arrimaha Soomaaliya.”
“Hambalyo, Itoobiya!” ayuu yiri xoghayihii.
“Faa’iido shanaad,” ayuu yiri safiirkii, “oo aan ku qabno burburka Soomaaliya waa in aan ku guuleysannay dhisitaanka maamul-goboleedyo ku mashquulay sare-u-qaadidda calanka dawlad-goboleedkooda halkii ay ku mashquuli lahaayeen calankii qarankooda Soomaaliyeed.”
“Hambalyo, Itoobiya!” ayuu yiri xoghayihii.
“Faa’iidada lixaad,” ayuu yiri safiirkii, “waa hoggaamiyaasha Soomaalida oo kalsoonida ka luntay—oo taageeradeenna ku tiirsan xag siyaasad iyo xag cudud militariba.”
“Hambalyo, Itoobiya!” ayuu yiri xoghayihii.
Safiirkii ayaa aamusay, oo qamri ka shubtay dhalo.
“Ma intaas bay kaaga eg tahay?” ayuu yiri xoghayihii.
“Bal ii kaadi,” ayuu yiri safiirkii oo qurqurinaya qamrigii, “dhuunta ayaa i qallashayee.”
“Warkaasaa i gala,” ayuu yiri xoghayihii, “lix faa’iido keliya ma iyadaa nagu filan? Waaba qasaaro oo kalee!”
“Mid ogow,” ayuu yiri safiirkii, “arrintan yeysan kaa farxin—wuxu waa adduun,e.”
“Macnahaa?” ayuu yiri xoghayihii oo yaabban.
“Quwadaha hadda nagu daneysanayo,” ayuu yiri safiirkii, “sida ay maanta Soomaaliya u galayaan ayay annagana nagu sameyn karaan berrito. Marka wax la kala har. Laga yaabaa in ay Soomaaliya berrito hoggaamiso qaddiyadda Afrika oo dhan—oo aan mudanno.”
Waxaa qosol yasid ah ku dhuftay xoghayihii illaa ay ka timid illin.
“Weli dhallinyaro ayaad tahay,” ayuu yiri safiirkii, “aan afartanka gaarin.”
“Mudanow maad ii waddid,” ayuu yiri xoghayihii oo qoslaya, illintana iska tiraya, “guusha iyo faa’iidooyinka Itoobiya u soo hoyatay, aniguna aan hambalyada soo diree?!”
“Faa’iidada todobaad,” ayuu yiri safiirkii oo la yaabban dhoohanaanta xoghayihiisa, “waa Soomaaliga oo aan maanta u danqaneyn ciddii ay ciidamadeennu disho gar iyo gar-darro.”
“Hambalyo, Itoobiya!” ayuu yiri xoghayihii.
“Faa’iidada siddeedaad,” ayuu yiri safiirkii oo afuufaya qaac sigaar, “waa jiilka soo koraya ee Soomaalida oo ku indho-qaaday dawlad la’aan iyo qaxootinimo. Waxaa ku adkaaneyso inay fahmaan in uu ka maqan yahay dal la oran jiray Soomaaliya.”
“Hambalyo, Itoobiya!” ayuu yiri xoghayihii oo jidbeysan, oo misana ku celiyay, “Hambalyo!”
“Faa’iidada sagaalaad,” ayuu yiri safiirkii, “waa….”
Safiirkii oo hadalkii wada ayaa waxaa soo dhacay telefoonkiisii gacanta. Waxaa u soo qormay magaca ICG Secretary—oo ah ururweynaha International Crisis Group.
“Tolow maantana maxay rabaan?” ayuu yiri safiirkii oo eegaya telefoonka.
“Yaa waaye?” ayuu yiri xoghayihii.
“Waa gumeystihii shalay,” ayuu yiri safiirkii, “daneystaha maanta, iyo jirjirroolihii berrito.”
“Maxaa ka macno leh,” ayuu yiri xoghayihii oo sigaar shidanaya, “haddii uu dal berrito isbeddelo, quwadaha soo kacaya ayaan xiriir iskaashi la sameynaynaa sida Shiinaha iyo Hindiya.”
“Dhallinyaro,” ayuu yiri safiirkii oo telefoonka la sii dhaqaaqaya, “noloshu waa u rajo iyo riyo.”
Xoghayihii waxa uu dhaladii qamriga ka gororsaday intii ugu danbeysay, safiirkiina waxa uu taagnaa meel duruqsan isagoo ku hadlayay telefoonkiisii.

Qeybta 18-aad
Cawil iyo odaygii waxa ay ku soo leexdeen buulkii yaraa ee ay islaantu shaaha ku iibin jirtay.
“Anigu halkan ayaan nafta ku nasinayaa,” ayuu yiri odaygii oo fadhiisanaya, “oo gabadhan baan Soomaali iska fahannaa ee wiilyahow nabad iyo warsan.”
Cawil inta qoslayuu u sii gudbay biibitadii dhinaca ku heysay buulkii islaanta.
“Sheekaa iigu kaa harsan,” ayuu yiri Cawil, “waxaan isha soo marinayaa wixii warar ahee lagu soo qoray shabakadaha Soomaalida. Waanse kuu soo noqon, oo ka sii feker su’aashayda.”
Islaantii waxay shaah u soo shubtay odaygii.
“Su’aal noocma ah?” ayay tiri iyadoo shaahii siineyso odaygii.
“Mayee wuxuu rabaa,” ayuu yiri odaygii, “inuu ogaado haddii jirto wax ay Soomaali u dhan tahay oo ay ka mideysan tahay.”
Cawil waxa uu dul fadhiistay kombiyuutarka—warkii dalkana daalacanayay. Isagoo akhrinaya warkii ayuu maqlay buuq iyo bulaan ka dhacayay bannaanka. Dheg jalaq uma uusan siinin. Oo sii watay akhrintii wararka iyo faallooyinka siyaasadeed.
Buulkii habarta ayuu Cawil soo maray—oo ku soo noqday odaygii. Mise odaygii ha sheegin, oo ma joogin.
“Eeddo aaway odaygii?” ayuu ku yiri islaantii buulka laheyd.
“Miyaadan ogeyn waxa ku dhacay odaygii?” ayay tiri islaantii oo wiilka ku eegaysa weji murugeysan.
Cawil hadalkii ayaa ku dhegay. Afka ayaa kala tagay. Oo garaaca wadnihiisaa kordhay.
“Odaygii istaagga ayuu ka dhacay,” ayay tiri islaantii, “oo uu miyir beelay. Gaari-gacan ayaa lagula cararay oo cisbitaalkaa loo qaaday.”
Cawil wuu dhaqaaqi la’ yahay—oo sidii in dhulka lagu nabay ayay cagihii buur kala cuslaadeen. Inta awood iska baaray, oo dhabarka jeediyay, ayuu hal mar buulkii uga baxay sidii leeb la genay. Islaantii waxay u soo jeesatay barrnaamij gaar ah oo ka socday BBC-da.
Warkii:
Intaasi waxaa ku dhan wararkii naga soo gaaray dunida. Haatanna aan u leexanno barnaamij qaas ah oo ku saabsan waxyaalaha ku soo kordhay dalka Soomaaliya. Dhageystayaal tan iyo intii ay socdeen dagaallada sokeeye, sirdoonka adduunka raad muuqda kuma aysan laheyn arrimaha Soomaaliya. Beryahakanse waxaa soo if-baxaya kaalinta muuqata ee ay sirdoonku ku leeyihiin geyiga Soomaaliya. Sirdoonka la sheego in ay Soomaaliya ka shaqeyso waa CIA-da Mareykanka, Scotland Yard, sirdoonka Itoobiya, kuwa al-Qaacida, kuwa al-Shabaab, kuwa NSS ee dawladda ku-meel-gaarka ah. Waxaa iyana sirdoon leh maamul-goboleedyada sida PISTA uu ka hawl-gasha Puntland iyo sirdoonka Somaliland. Dhawaan ayay aheyd markii ay Kenya u qeylo-dhaansatay dawladda Israa’iil inay ka caawiso qatarta kaga iman karta Shabaabka.
Haddaba dhageystayaal waa maxay dareenkiinna ku aaddan arrimahan isgarab-ordaya ee haatan ku soo kordhay xaaladda dalka Soomaaliya?
Waxaa yeeray telefoonkii BBC-da.
“Halow, waa BBC-da. Qadka ayaad ku jirtaa—fikirkaaga dhiibo adduunweynaha ayaa lagaa wada dhageysanayaa.”
Islaantii waxa ay demisay BBC-da, dhabannadana gacmaha saaratay.
“Dad kala dan ah,” ayay tiri islaantii, “waxay u nuglaadaan duullaan shisheeye. ‘Looma dhamma’ sidaan ugu jirnay ayaan noqonnay bahalo-galeen—oo waa kaa jaajuus nooc walba leh inoo yimid. Waa yaabka yaabkiise, halka ay Soomaalidu u kala daadatay ereyga ‘looma dhamma’ ayuu adduunkuna ku midoobay isla ereygaasi oo maalin walba dawlad cusub ayaa middiyaha u soo soofeysata hilibka bisil ee Soomaaliya sidii iyagoo uurka ka leh, ‘Looma dhamma ku-lug-lahaanshaha arrimaha Soomaaliya. Bal yaynaan annaguna ka qadin qeyraadka dalkan baylahda ah.’ Allow dalkeenna samatabixi looma kala harin,e.”

Qeybta 19-aad
New York, Mareykanka
Waxa uu sarkaal ka tirsan Golaha Ammaanka akhrinayay go’aanno ka soo baxay shirkii IGAD.
“Ku: Golaha Ammaanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Beesha Caalamka
Ka: IGAD
Haddii aynu nahay IGAD waxa aynu ku talinaynaa qodobadan soo socda si xal loogu helo arrimaha Soomaaliya.
Kow, waa in ay beesha caalamku isku meel uga soo jeesataa argagixisada ka faa’iideysanaysa dawlad la’aanta Soomaaliya.
Labo, waa in la xoojiyo ciidamada nabad-ilaalinta ee AMISOM xag dhaqaale, xag siyaasad, xag qalabeyn, iyo xag niyadba.
Saddex, waa in Golaha Ammaanka uusan dabcin cunaqabeynta hubka ee Soomaaliya saaran. Haddii kale waxa halis gelaya amniga geeska Afrika iyo danaha beesha caalamka maadaama uu hubkaasi gacanta u geli karo argagixisada caalamka ee ka hawl-gasha Soomaaliya.
Afar, waa in la dhiirro-geliyo ololaha NATO iyo beesha caalamka ay kula dagaalamayaan burcadbadeedda qatarta ku ah ganacsiga iyo isdhexgalka adduunweynaha.
“Mudanayaal iyo marwooyin,” ayuu yiri sarkaalkii shir-guddoominayay kulankii Golaha Ammaanka, “maxaa talo ah? Oo aad ka oraneysaan qodobadan?”
“Waa qodobo caqli-gal ah,” ayay tiri sarkaalad ku jirtay shirka.
“Waan ku raacsanahay,” ayuu yiri sarkaal dhinaceeda fadhiyay.
“Aniguna sidoo kale,” ayuu yiri sarkaal kale oo gadaal fadhiyay.
“Haddaba,” ayuu yiri sarkaalkii shir-guddoominayay shirka, “gacanta ha taagto ciddii dooneysa in qodobadan la ansixiyo.”
Marka laga reebo labo dawladood oo ka aamusay, saddex iyo tobanka kale ee xubnaha Golaha Ammaanka waxay isku raaceen in la ansixiyo qodobadii go’aankii IGAD. Shirkii si rasmi ah ayuu u xirmay, oo lagu kala dareeray.
Waxaa si gooni isu soo raacay labo ka tirsaneyd saraakiishii shirka joogtay. Waxay u dhasheen mid ka mid ah shanta dawladood ee xubinta joogtada ah ka ah Golaha Ammaanka. Elafeetar ayay hoos u raaceen.
“Waa ii farxad,” ayuu yiri mid, “in la isku raacay qodobadaan. Shirkadda walaalkeyga ayaa waxay qandaraas ku heysataa hawlo xasaasi ah oo Soomaaliya ka socdo.”
“Aniga xitaa,” ayuu yiri kii kale, “oday soddog ii ah ayaa qandaraas la galay Qaramada Midoobay. Oo wuxuu Soomaaliya ka wadaa hawlo lacag ba’an ku baxdo—oo wuu ka taajiray.”
“Sax waaye,” ayuu yiri kii koowaad, “Darwin xikmaddii laga dhaxlay ayaa aheyd survival of the fittest.”
“Waa run,” ayuu yiri kii labaad oo u riyaaqaya, “ninkii awood leh ayaa nolosha ku waara.”
“Kuwo badanna oo Soomaalida ka mid ah,” ayuu yiri sarkaalkii koowaad oo qoslaya, “waxay ku qanceen in ay qurbaha ceyr ka qaataan—shirkadaheenana waxay ku xisaabtamayaan in saacaddii ay Soomaaliya ka faa’iidaan malyuumaad doollar.”
Waxa qosol isku cammiray labadii sarkaal ee ka soo baxay shirkii Golaha Ammaanka.
“Talada dalka,” ayuu yiri sarkaalkii labaad, “haddii ay Soomaalida u wareegto, way na af-qaban doonaan, oo shirkadaheenna cubta gelin doonaan.”
“Talo iyo Soomaali?” ayuu yiri sarkaalkii koowaad, “hal qarni ayaa ka xigto inay Soomaali baraarugto.”
“Hal qarni kama xigtee,” ayuu yiri sarkaalkii labaad, “waxaa ka xigo iyaga oo isku helo rag hunguri ka sooman; qabyaalad ka xoroobay; faragelin shisheeye iskala weyn; madaxtinimo ka himmad weyn; kuna baraarugsan waaqaca qarnigan cusub; isku kalsoon oo oggol in la dhaliilo haddii ay qaldamaan; oo ka faana inay xoog iyo qori caariddiis wax ku maquuniyaan—oggolna in ay u dhintaan qaddiyad Soomaalinimo.”
“Qaddiyad noocma ah?” ayuu yiri sarkaalkii koowaad, “ma middii Shabaabka oo kale?”
“Soomaaliduba way ogtahay,” ayuu yiri sarkaalkii labaad, “in aysan Shabaab laheyn qaddiyad Soomaalinimo—oo ay yihiin maafiyadii diinta iyo dalka.”
“Haddaba waayahaye,” ayuu yiri sarkaalkii koowaad, “qaddiyad noocma ah?”
“Ma aqaan,” ayuu yiri sarkaalkii labaad, “waa arrin u taalla Soomaalida inay abuuraan qaddiyad Soomaalinimo—annagu hawsha noo taallo waa in aynu ka hortagnaa oo fashilino ciddii isku daydo inay abuurto qaddiyad Soomaalinimo.”
“Ka hortaggu wuu badan yahaye,” ayuu yiri sarkaalkii koowaad, “noocee ka waddaa? Ma ciidan Qaramada Midoobay baa loo dirayaa? Mise NATO ayaa sidii Liibiya ku duuleyso? Mise hab kale ayaad og tahay?”
Waxaa qoslay sarkaalkii labaad.
“Isdeji,” ayuu yiri, “labo siyaabo ayaa looga hortagayaa. Kow, waxaa arrimahaas naga kaafisa Itoobiya oo xubin firfircoon ka ah IGAD—deetana waxay la kaashaneysaa Midowga Afrika.”
“Warkaasaa i gala,” ayuu yiri kii koowaad, “bal habka labaadna soo daa.”
“Haddii uu nin waddanka jecel noo soo dhuuntana,” ayuu yiri ninkii labaad, “waxaa lagu sasabaa oo loo ballan-qaadaa jago ama hunguri.”
Labadii sarkaal iyaga oo sidii u sheekeysanaya ayay ka soo degteen elafeetarkii, kana baxeen sartii weynayd ee ay ku shirayeen.

Qeybta 20-aad
Wuxuu Cawil orod ku soo galay cisbitaalkii—oo isagoo hinraagayana isdhex-taagay qolkii uu odaygu jiifay. Mise waxa lagu qabtay qoryo AK-47.
“Istaag!” ayaa cod qeylo dheer ah yiri. “Istaag! Ha nuuxsan!”
Qolka waxa dhex joogay toboneeyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ah iyo sarkaalkii iyaga watay. Cawil sas iyo filanwaa ayuu isha ula raaci waayay wejiyada ciidankii qoriga ku qabtay. Oo rag baa garba-duub isla durbadiiba u xirxiray, dhulkana seexiyay. Saa waxaa sariirta korkeeda ka soo jalleecay odaygii oo huwan go’ shaal ah. Wuxuu la sheekeysanayay sarkaalkii watay ciidanka oo ku fadhiyay sariirta geeskeeda.
“War raggu geesisanaa,” ayuu ku kaftamay odaygii oo dhoollacaddeynaya, “war adeerayaalow wiilka ka leexda.”
Askartii waxay qoriga ka dul qaadeen Cawil oo dhulka warnaa.
Odaygii waxa uu isha la wada raacay askartii oo u badneyd dhallinyaro.
“Waryaada,” ayuu yiri sarkaalkii watay ciidanka, “ma maqasheen ninkii ku jiray Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee diiday in loo qoro mushaar?”
Ciidankii la socday sarkaalka waxay si fiican u eegeen odaygii. Cawilna isha ayuu la raacay.
“Waa kan hortiinna jiifo,” ayuu yiri sarkaalkii, “idiinma dhinna. Magaciisu waa Korneyl Xiddig.”
Waxaa indhaha taagay Cawil—kuna baraarugay cidda uu dhab ahaan u yahay odaygu.
“Adduunow xaalkaa ba’,” ayuu yiri odaygii, “markii aan idinka idinla ekaa, toban nin oo feero waaweyn oo hubeysan ayaan laad iyo looto kaga qaadi jiray hubkooda. Idinkana wiil dacas go’an oo aan hub sidan ayaad toban qori ku fooririneysaan. Cajiib.”
“Korneylow,” ayuu yiri sarkaalkii watay ciidanka, “adiga waxaa Ruushka kuu dirsaday qaran Soomaaliyeed oo lagu soo siiyay tababar komaandoosnimo; wiilashanna waxaa laga soo qortay xerooyinka qaxootiga, oo taangiyada AMISOM ayay magan u yihiin.”
“Sidaasaa u danbeysay dalkayagii,” ayuu cod qushuucsan ku yiri odaygii, “sidaasaa u danbeysay dalkayagii.”
Waxa uu odaygii gacanta salaam ugu taagay Cawil oo weli wejigiisa laga dheehan karay sas, anfariir, farxad, amakaag, iyo shucuur is wada qilaafsan.
“Korneyl Xiddigow martina way kuu joogtaa,” ayuu yiri sarkaalkii, “bal Allaha ku caafiyo waan kaa soo war dooni doonaaye.”
Waxaa sare u kacay sarkaalkii, oo madaxa saartay koofiyad.
“Maandhow,” ayuu yiri odaygii, “hal mid asxaan iigu samee.”
“Korneyl Xiddig,” ayuu yiri sarkaalkii, “haddii aad i tiraahdo ilaaladaada iiga tag, waan kaa tegayaa. Haddii aad i tiraahdo madaxweynaha iigu keen cisbitaalka, waan kuugu keenayaa. Haddii aad i tiraahdid waardiye qaas ah caawo iga naqo, waan kaa noqonayaa shaqsi ahaan. Wax sheego, geesiga dalkow!”
Cawil waxaa wejigiisa ka muuqday dheeh farxadeed. Oo wuxuu isku cabburinayay dhoolla-caddeyn.
“Codsigeygu waa sahal,” ayuu yiri odaygii oo muusoonaya. “Mar danbe qolkayga ha la soo gelin ciidan ilaalo ah.”
“Waa ballan,” ayuu yiri sarkaalkii, “sidoo kalena haddii uu kuu soo galo qof jilbaab iyo indho-shareer xiran waa aniga ee i ogow.”
“Maxaa?” ayuu yiri odaygii oo yaabban.
“Hee ilaalo la’aan,” ayuu yiri sarkaalkii, “yaa iga qarinaya kuwii habaaranaa ee Shabaabka?”
Waxaa hal mar wada qoslay odaygii iyo ciidankii la socday sarkaalka. Cawil indho-taag ayaa ka soo haray.
“Ku talagal,” ayuu yiri odaygii, “sir kuuma qarsoona,e. Askartaadiina ku maqashay; wiilkan aniga ii yimidna ku maqal.” Waxaa wada qoslay ilaaladii sarkaalka—iyo Cawil.
“Nabadey, Korneyl Xiddig,” ayuu yiri sarkaalkii, “Allaha ku caafiyo.”
“Aamiin,” ayuu yiri odaygii, “aamiin.”
Waxa qolkii cisbitaalka ka baxay sarkaalkii iyo ilaaladiisii.
Cawil waxa uu sugay illaa ay ka baxayeen ciidankii.
“Magac-laawe, yaah,” ayuu yiri Cawil oo muusoonaya, “waad ii dhuummatayee.”
“Weli magacaygu waa sidaa,” ayuu yiri odaygii, “weli waxaan ahay Magac-laawe.”
Waxaa qoslay Cawil, oo madaxa luxay.
“Soo fadhiiso,” ayuu yiri odaygii.
Cawil waxa uu salka dhigay meeshii uu ka kacay sarkaalkii.
“Sidee dareemaysaa,” ayuu yiri Cawil, “maxayna kugu sheegeen?”
“Waan fiicnahay,” ayuu yiri odaygii, “dhiigga ayaa kugu kacay ayay igu yiraahdeen.”
“Ma su’aalaheyga,” ayuu yiri Cawil oo qoslaya, “baa kugu kiciyay dhiigga?”
Odaygii wuu muusooday.
“Allaha ku caafiyo,” ayuu yiri Cawil, “waan ogaa inaad aheyd oday nooc kale ah.”
Waxaa ilbaabka soo garaacday kalkaaliso da’ yar.
“Adeer is diyaari,” ayay tiri, “shaybaarka ayaa laguu kaxeynayaa mar dhow.”
Cawil waxa uu eegay gabadhii—illaa ay ka sii libdheysay.
“Maad guursatid?” ayuu yiri odaygii oo eegaya Cawil.
“Oo haddaba ma adigaa og,” ayuu yiri Cawil, “inaan xaas leeyahay?”
“Kor waayeel waa wada indho,” ayuu yiri odaygii, “indhahaaga ayaa marqaati ka ah doobnimadaada.” Waxaa qoslay Cawil.
“Adeerow,” ayuu yiri Cawil, “bal intaanan shaybaarka laguu kaxeynin, su’aashaydii iiga jawaab.”
“Oo aheyd?” ayuu yiri odaygii.
“Soomaalida maanta joogta,” ayuu yiri Cawil, “wax ay u dhan tahay oo ay ku mideysan yihiin ma jirtaa?”
Odaygii kor ayuu u soo hinqaday, oo jiifka ka soo fadhiistay.
“Nasiib-darro,” ayuu yiri odaygii, “Soomaalida maanta waxa ay u dhan tahay ereyga ah ‘looma dhamma’.”
Waxaa qolkii ku soo noqotay kalkaalisadii. Oo ay sheybaarka u kaxeysay odaygii oo cuksanaya garabkii Cawil.
~Dhammaad~

Qoraaga kala xiriir:
claahijanno@gmail.com ama
facebook.com/Qalinmaal

Hadimo Jacayl

Waa sheekho aad u xiiso badan oo ka warramaysa dhibka, rafaadka, iyo hadimooyinka ay dadka dibadda ka yimadaan ku hayaan dhalinyarada is jecel ee dalka iyo siday ugu nugul yihiin waalidku dadka dibadda ka yimaada ee aan loo tix galin jacaylka lamaanaha ee wiilka iyo gabadha iyo guusha uu ku danbeeyo jacaylka runta ahi.

Waxaa qoray Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi)
mukho4me@hotmail.com
mukhinho@gmail.com

Sheekadani waxaa ay ka hadlaysaa wanaagga jacaylka marka labada qof raalida isku yihiin iyo sidayna waalidku u ixtiraamin jacaylka hablaha ee loogu qasbo nin aanay garanayn oo lagu siinayo dibadda ayuu ka yimid ama waa lacaglay ee aan loo meel dayn mustaqbalka inanta kuna kalifaysa wiilkay is jeclaayeen inuu dalkii iskaga tago oo uu badda u galo si isna barri loo yidhaa dibada ayuu ka yimid oo waa lacaglay…
Waa sheeko aad ka dheehan karto qoraal xeel dheer oo u socota iskugunadaba xidhiidhsan sidii filim oo kale ayna tafatireen qoraayada Soomaalida kuwooda ugu caansani kuna dheehan tahay jacayl iyo murti badani, waxaanay ku bilaabantay sidan.


Waxay ahayd goor casar gaaban ah abaaro shantii galabnimo, cadceeduna sii dhacayso, dhulkuna uu helay roob shuux ah, dhirtuna u badan tahay akhtar ka dharagtay roobkii guga, dadkuna wada qurux badan yihiin aad moodidna inay jawiga wanaagsan iyo dadku is heleen.
Waxaa magaalada Hargeysa ka caan ah in ay galabtii dhalinyaradu u soo dhaadhacaan suuqa, Mustafena waxa uu kala mid yahay dhalinyarada magaalada. Wuu soo kacay, maydhay, labbisna kiisii ugu qurx badnaa soo xidhay. Waxaa uu u soo dhaqaaqay goobtii
uu ka raaci lahaa baska, goobta oo aad u dad badan dadka xaafaduna ay inta badan ka raacaan baska, iyo basaska oo buuxa ayaa u sahlay in dhalinyaro iyo wayeel ay isku soo gaadhaan. Cabbaar marki uu soo socday, waxaa uu soo gaadhay goobtii baska, markii uu in dhoor ah taagnaa ayaa waxa uu isha la helay gabadh Ilaahay qurux u dhameeyay, caddaan xigta, dhuubnayn aan buurnayna, gaabnayn aan dheerayna habka labbiskana aad u qurux badan yahay labbis isku eeg oo basali iftiimaya ah, wali kama uu jeedsan Maryan, laakiin Maryan ayaa dareentay oo yara dhaqaaq joogsatay. Mustafe wali wuu ku maqan yahay oo waxa uu jecel yahay in ay is bartaan waayo waxaa uu ogyahay in aanay magaalada cidna iska garanayan oo uu dhawaan ka imid magaalada Burco. Waxay halkii baska in dhoor ah taagnaayeen jeclaana inuu barto inanta laakiin uu ku dhiiran waayay inuu la hadlo ayuu yimid baskii oo ay raacday Maryan, kana buuxsamay Mustafe dadka oo dumar u badnaa awgii.
Mustafe aad ayuu uga niyad jabay iyaga oon is baran inay halkaa ku kala tagaan, baskii labaad ayuu iska raacay isaga oo niyad jabsan, hawshii suuqa uu u tagay oo ahayd inuu abtigii la kulmona soo dhamaystay, isla markiiba wuu isa soo rogay oo xaafaddii ayuu ku soo noqday, ma uu baydhbaydhin ee waxaa uu toos u galay qolkiisii, markii uu sariirtii ku jiibsadayna waxaa maskaxdiisa ka dhexguuxayay kuna sawirnaa gabadhii uu maanta soo arkay. Mustafe daqiiqado yar ayuu isku badalay kuna noqday qof jacayl la il daran, dareenkiisii iyo ruuxdisii oo dhamina raacday Maryan.
“Ballan maaha jacaylku bandhig laysugu baaqee, waa ishaa biligtaada wax boggaaga ku beerma!”
Isagoo sidii ah ayuu waagii u baryay.
Mustafe waxaa uu dhigtaa iskuulka Faarax Cumar. Markii uu u bohoolay jihadi iskuulku ka xigay ayuu goobtii safka iskuulka lagu galayay ku arkay gabadhii uu shalay arkay. Mustafe arrin kaga sii daran intii hore oo waxaa uu baahi wayn u qabaa inuu helo cid uu lawadaago jacaylkan ku kaliyaystay…
Markii uu arkay iyana garatay inuu inankii shalay yahay indhahooduna si toos ah ayay iskugu dhaceen.
Maryan waa fasalka kowaad ee dugsiga sare, Mustafena laba fasal ayuu ka sarreeyaa oo waa ka saddexaad.
Maalintaas markiii uu galay fasalkii waxa uu bilaabmay warwar iyo fakir aad u xeeldheer oo ku salaysan jacayl uu Maryan u qaaday, cidna aanay u ogayn waxa uu ku tiraabayay erayo jacayl ah:
Dumar ugu filrooneey,
dayax shan iyo tobanaay,
dahab lagu masaalaay,
dawadii naftaydaay daryeel naftan
damqashada dhibaysana
dareenkaga mooye mid kale maya…

Maalintaas oo dhan muu dhigan iskuul ee waxa dhamaan jidhkiisa iyo maskaxdiisaba saaqay jacayl ku kaliyaystay, kuna hamiyay inay mar uun is calman donaan.
Markiii uu xaafaddii tagay, uuna qadeeyay, ayaa haddana uu halkii ka billaabay lakiin imika waxa uu ku fikirayaa sidii uu ku heli lahaa Maryan ama meel uu kala xidhiidho, meel dheerna ka ma uu doonan ee waxaa uu la xidhiidhay inan ay saaxiib yihiin oo la yidhaa Faysal oo ay iskuulkana isku fasal yihiin xaafaddana wada daggan yihiin.
Faysal waa wiil aad u furfuran oo dhamaan dhalinyarada xaafaddana ay is yaqaanaan, wiilal iyo gabdhaba.
Markii uu iskuulkii usoo baxay ayay Faysal dariiqa ku kulmeen laysna salaamay, kadib in dhoor ah markii ay kala aamusnaayeen ayuu Mustafe calool adaygay, kuna dhiiraday inuu waydiiyo wax cinwaan ah hadduu ka hayo Maryan, maadaama uu isagu uga war roon yahay, Faysalna u ballan qaaday inuu siin doono marka la rawaxaayo, kana cudur daartay inaanu imika hayn. Mustafe waxa gashay yididiilo inuu helayo Maryan, helayana cid la wadaagta jacaylka ku kaliyaystay.

Rawaxaadii goor ay tahay ayuu Mustafe soo hor istaagay iskuulka oo uu dagdag uga soo baxay sii uu faysal u arko marka uu soo baxo, se waxa uu arkay maryan oo ku dhexjirta hablo badan lays eeg laysna garay lakiin wax wada hadal ahi majiraan inyar kadib ayuu soo baxay Faysal, waxay wada qadeen dariiqa dheer ee loo maro xafadooda, kaftan badan iyo sheeko aad u macaan oo aywada wateen ayaa waxa ka soo gaadhay xafadahoodi markii ay sii kala hadhayeen ayuu Faysal Mustafe ku yidhi,
“Saxiib waxaad iga sugaysay numbarkii Maryan.”
Uguna jawaabay, “Haa…”
“Saxiib waa kan ee qoro.”
“Waayahay,”
“Waad mahadsan tahay. Waxaan abaalkaaga ku gudana garan mayo.”
“Maya saaxiib intaas iyo in kabadanba waa laysku leeyahay.”
“Waayahay saaxiib ee waa inoo barri inshaa Allaah.”
Farxad aan waayadaa lagu arag ayaad ka dheehan karaysay wajigiisa Mustafe, waxaana uu la dhacsanaa sida yar ee uu ku soo ¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬¬helay nambarka Maryan ileen qofay wax ka awood wayni wataan meel walba uu la galaye waxa uu u samray inuu heli doono.
Kadib markii uu gurigii tagay ayuu qadeeyay isagoo faraxsan aad moodidna gabadhuu u bahnaa inay is heleen ayuu waxa uu tagay sariirtiisii waxaana uu billaabay fakir uu siduu ula xidhiidhi lahaa ka fikiraayo iyo siduu iskugu sheegi lahaa aakhirkiina waxa uu go’aansaday inuu u qoro farriin kuna sheegto baahidiisa, waxa uu qoray farriintii oo uu aad uga shaqeeyay kuna sheeganaayo jacaylkiisa kana codsaday inay la qabato ee aanay ku diidin.
Markii uu diray farriintii waxa maskaxdiisa ka bixi wayday bila ay la socotaa qof kale amaba aanay adiga kuugu qanacsanayn waxa uu fikiraba waxa uu habeenkaas seexday isagoo aad moodid inay ku tidhi kuma rabo amaba kula ma qaban karaayo jacaylkaan.
Maryan waxa ay heshay fariintii uga timid Mustafe, garatay markay akhriday cidda uu yahay wiilka u soo qoray fariintan lakiin aanay u lahayn aqoon durugsan wiilkan soo calmaday fikir dheer dabadii waxay nafteeda ku qancisay inay farriin u qorto ay ugu jawaabayso.
Walal waan ku salaamay waanan helay farriintaad ii soo dirtay ujeeddadeedina waan fahmay, laakiin adoon walaal wax kale u qaadanayn aan ka soo fikiro maalinta arbacadana aan kuugu soo war celiyo… ok bye…
Mustafe wali waxa uu la ildaran yahay jacayl ku kaliyaystay isagoo aad u fikirayay ayuu niyadda iska yidhi,
“Alla dhib badanaa marka uu jacaylku kuugu kaliyaysto.”
Jacaylku waa wax jiray, jira, jiridoonana ilaa inta ay aduunyadu ka dhamaanayso, laakiin dadka ku kala duwan yihiin siyaabaha uu u galo iyo sida loo wadaago, runtiina haddaan jacayl jirin aduunyaduba ma joogteen.
Goor ay fiid tahay ayuu Mustafe helay farriintii Maryan, akhriyay fahana waxa ay uga jeeddo kalmada waan ka soo fikirayaa. Markiiiba waxa uu is waydiiyay in ay Maryan cid kale xidhidh la leedahay jacaylki ula ildarnaana uu kusii kaliyaystay waanu kaga sii daray inti hore waayo rajo ayuu qabay markii hore ilaa imikana mid aan dheearayn ayuu qabaa balse waxa uu aad uga fikiray kalmada waan ka soo fikiri doonaa. Habeenkiiyo dhan muu seexan, warwarka iyo walaaca iyo walbahaarka jacaylku baday ayuu la ildaran yahay wuxuu habeenkiiyo dhan kolba dhinac isku rogo ayuu waagii u baryay isagoon wax niyadda u hayn ayuu iskuulkii tagay.
Cidda aragtaa waxay ka garaanaysay meel dheer inuu is baddalay waayo fikirka faraha badani dadka wax ayuu yeelaa jidh ahaan iyo maskax ahaanba.
Wuxuu sidii uga fikiraba waxa uu naftiisa ku qanciyay in uu sugo waxa ay barri Arbacada ula timaaddo.
Waxa la gaadhay maalintii Arbacada Mustafena wax jawaab ah wali ma hayo, galabtii markii la gaadhay ayuu taleefonkiisii eegay lakiin wali wax farriin ah ma hayo.
Waayaha aduunyadu fara badanaa imisaa wiil dhalinyaro ah jecel gabadh, gabadhuna wiil kale wiilkuna gabadh kale, aduunyada dhamaanteed ayaa ah iskadaba wareeg jacaylkuna waa shay ka qiimo iyo qaayoba badan in lays khiyaameyo ama been laysku maaweeliyo, jacaylka runta ahna sida lagu helaa way adagtahay waayo mar walba qof ayuu ku soo horeeyaa lakiin kii la jeclaaday sida lagu helo ayaa adkaata.

Mustafe wuu isbadalay misaankii dhamayska tirnaana wuu yaraaday waxaa ka soo dhaadhacay fikirkii faraha badanaa iyo jacaylkii uu la daala dhacayay goor ay fiid tahay ayay Maryan oo ilaa shalay ka warawasanayd waxay ugu jawaabi lahayd soo qaaday telephone keedii waxayna u qortay fariin dreenka ay ka qabo ugu gudbijnayso waxaanay ku bilawday,
Walal Mustafe waan ku salaamay igana raali ahow hadaan kaala ragay jawaabta lakiin waxan filayaa inaad ku qanci doontid, walal amaba gacaliye silamida sida dareenka jacayl aad iigu qaaday ayaan ana kuugu qaaday ,runtiina aragtidaada wan ku qancay una bogay waxaanan ku han wayanahay inay inoo bilaabanto nolol cusub oo ilaa heer mustaqbal ah kana dheer maaweelo iyo wakhti lumis .
Aniguna waaxaan ku balan qaadaya in aan inta noloshayda ka hadhay aan adiga nolosha kula qaybsado.
Jacaylku waa dareen xoogan oo qofka bini aadmig ah ka xoog wayn inuu kaan taroolo, ama lado hurdo qofka uu jantay la, aantis ama uu farxo farxad niyada qofka uu jantay la,aantis.
Waa dareen dhib badan oo qofka warwar iyo walaac faro badan ku abuura kuna mutaysto dhibaato hadii uu waayo ruuxa uu jeclaaday kuna kalifaysa xataa dhimasho iyo inuu iska naco aduunyada ,qofka uu jacaylka dhabta ahi hayo uu ka sooma farxada ama cuntada kaliya waxa u muuqda waa ruuxa uujantay ,farwal oo uu dhaqaajiyana waxa uga dhex muuqda ruxaas .
Mustafe wuxuu malintiiyo dhan sugaba goor ay fiid dandeed tahay ayuu halay fariintii maryan ,garay ,dadag inta uu ula orday ayuuu qolkiii la tagay si aad u taxadar badana u akhriyay,markii uu soo gaadhay walal amaba gacaliye ayay neef badan ka soo booday isla makiiba waxa galay fifircooni aan wayadaa lagu arag waxa uu imika u diyaar garoobay inuu la hadalo oo ay Telephone ka shekaystaan madaama imika ay labadooduba raali isku yihiiin habeenkaasna umay suuro galin inay wada hadlaan lakiin habeenkaas waxa uu seexday Mustafe hurdo aanu waayowayo seexan farxad badanina ku dhehan tahay aroortina waxa uu kacay isaga oo aan dhinacna isku rogin habeenkaas.
Goor ay casar tahay ayuu telephonekii soo qaatay oo hawlihisii oo dhana uu soo dhamaystay isaga oo aad uga warwar san waxa ay kuwad hadli donan iyo sida ay u soo dhawayn doonto marayan ayuu qaday telkiii kadibna garaacay nuberkii marayan ,una dhac qadar yar dabadii waxa ka qabatay Marayan garatay inuu Mustafe yahay ,
“Halow,” ayay tidhi.
Markaasu ugu jawaabay, “Halow. Walaal Maryan miyaa?”
“Haa,”
“Ii waran walal xaladaada cafimaad iyo wayahagaba.
“Aad baan u ficanahay macaan, adiguna?”
“Aad iyo aad alxamdulilaah.”
Markii ay intaas is waydarsadeen ayuu Mustafe hadalkii qaatay oo yidhi, “Maryan waad ka warhaysaa arinkayga runtiina waxaad tahay qof aan u bogay, aadna waan kuu jecelahay taas oo ay tahay had iyo jeer naftayduna jeceshahay in aad i dhinac joogtid runtiina Maryan isagoo cod hoose ku hadlaaya ayuu yidhi, “I love you, Maryan.”
Maryan way yaabtay jacaylka intan gaadhsiisan ee mustafe ku kaliyaystay mudada waxay ugu jawaabato ayay garan wayday iyadoo hadalki ku dhagdhagaayo ayay tidhi,
Een…een… Mustafe sida aad iii jeceshahay iyo sii kasii wanaagsan ayaan kuu jecelahay
Markuuu intaas maqalay ayay neef uu hiin raagay ka soo booday isagoo hadalkii sii watana waxa uu yidhi, “Macaan Maryaneey anigu waxaan doonayaa inaan kula samaysto nolol heer mustaqbal ah markaa waxan kaa codsan laha haday jiraan wax anan ogayn in aad imika ii sheegto inta ay goori goor tahay.
Maya gacaliye anigu cidkale oo ay wax naga dhexeyaan ma jirto aan adiga ahayn waxanan kuu balan qadayaa inaan inta noloshayda ka hadhay aan agtaada ku dhamasto.
Mustafe waxa gashay yididiilo aad u xeeldheer oo jacayl dhab ah.
Markii ay intaas Maryan tidhi ayuu hadalkiii ku soo noqday,
Xabibi malaha inbadan ayaynu wada hadlaynay ee goorma ayaynu ka dhiganaa balankeena kowaad
Maryan oo aad marakan moodid in ay jacaylkii u soo dadagtay ayaa qabatay balankiii oo tidhi,
Macaan mustafow Bari shanta galabnimo maxaad ka qabtaa
Waxba ee halkee ayaynu iskugu nimaadnaa
Huteel Barwaaqo qaybtiisa danbe ee beerta,
Waayahay gacaliso aad baan ku jecelahay.”
Waayahay gacaliye ana sidoo kale aad baan kuu jecelahay
Jawigu qurux badanaa roob ayaa qaaday in yar ka hore dadka badan kiisu waxay u badan yihiin dad ku la bisan dhar wada qurux badan iyo cadceeda oo faladho dhadheer oo casaan xiga bixinaysa qofka midabkiisana ka dhigaysa mid aad u nuuraya huteelka ay ku balameena waa mid wada dhir akhtar ahi ku taal mutulo lagu cunteyaana ka buxaan waxay Maryan oo aad moodid in aanay waxba la hadhin sidii ay u raali galin lahayd jacaylkeeda ayaa soo horeysay dharna kii ugu quruxda badnaa soo xidhatay cadarka ka soo uraayana ud goonkiisa ay dadka agmarayaa oo dhan ayuu saaaqay quruxdeedana malintaas qof arkay ayuun baa ka warami karaaya xiisaha ay u hayso jacaylkeeda ayaa aad ugu dheer iyo waxay uga sheekayn doonto ayay ka sii fikiraysaa iyadoo kolba isha ka khawisaysa saacada ayuu Mustafe ka soo galay albaabka danbe ee huteelka markiiba indhahooda ayaa is qabtay intii uu soo socday ayay niyada iska tidhi
Alla wiilku qurux badanaa
Mustafe malinkaas qofkii arkaa waxa uu modayay inuu caawa arooos yahay, dhisnida jidhkiisa iyo labiska oo is helay dartiis markii uu soo dul istaagay ayay salaan aad iyo aad u kalgacal badan oo laba is jecel is waydarsadaan dhab isku siyeen markiibana wada fadhisteen siday u shekaysanayeen waxaad moodaysay qaar ilaa waligood is yaaqaanay lakiin waa kulankoodii kowaad mustafe oo aftahanimada u dhashay ayaa sheekada furfurayay oo Maryan in yar oo xishood ah ayaa ku jiray dadka ag Maryana waxay arkayeen oo kaliya labada qof ee qoslaaya waxay sidii u shekaysataan ba waxay malinkaasi uu ahaa malin ay beerta midhaha ku gurteen si ay ugala baxaan markay bisladaan jacaylkunaa wanaagsanaa raaxo badanaa lagu dagi ogaa marka labada qof raalida isku yihiin mustafe waxa uu dhibkii ka soo gadhay jacaylkii ku kaliyaysaty ku ilaaway kulankan faraxadii iyo kalsoonidi ay u muujisay Maryan
Maryan oo madaxa hoos u dhigaysa xishood jacayl dartiis ayaa heestan ku heestay waliba ku luuqaynaysa,
Galgacaylku waa qani caashaqa ka qaro wayn
Quruxiyo wanaag badan
Waana shay ku qaaliya qimaynta aadmiga
Labadaysla qaatan qalibigooda Kama ba’o

Bisaylka ay jacaylka u bisladeen ayaaa kulanka laga dhadhan sanayay layskuna balan qaad in aan wad mooye wax kale kala kaxayn mustafe oo gabogabadii kulankaas la hadalayay Maryan ayaa yidhi, “Maryaneey noloshayda inta ka hadhay lagama yaabo in aan meel kale kaaga baydho lakiin wax walba adigaaa ayaa iga samayasan karaya oo ishaad ii mujisid ayaan kula nolaanayaa waligayna waan ku jeclaan doonaa
Hadalka Mustafe oo u badanaa afeef dhigasho iyo dardaaaran ayaay Maryan oo taxadraysaa kaaga jawaabatay, “Naftayda waxaad ku abuurtay dareen jacayl oo aanay waligeed arag marwalbana xagaga ayan ahay kuna balan qadayaa runtiina waan ku jecelahay
Goor ay tahay fiid cawl ayay kala tageen iyagooo gacmaha is haysta kalgacayl badana isku muujinya.
Xiisuhu inta uu cusub yahay labada qof ee is jeceli waxa caado ah in ay soo ban dhigaan dabeecado aad u wanaagsan iyo hab dhaqameed laysku raali galinaayo Mustafe iyo Maryana kamay madhnayn habdhaqameedkaa nololeed ee cadada u ah bani aadmiga.
Kulan koodaasna waxa uu samayn wayn ku yeeshay Marayn oo sheekadoodii macaanayd iyo kaftanki Mustafe ilaawi wayday habeenkaas oo dhana cajaladeeda xusuta ayay ku soo celceshaynaysay faraxdii kulankaas ka dhacday marwalbana waxay ahayd mid ka fikirta oo jeclayd in ay is ag jogaan daqiiqad walba.
Jacaylku waa dhibaato badan yahay marwalbana sida uu dadka ku galo lama yaqaano oo waxa la arkaa uun isagoo qofku la iladaaran jacayl Maryana sidaas ayay ahayd goorta uu Mustafe u soo bandhigay jacaylkisa iyo siday raalida ugu noqotay ee ay jacayl ad u xoog wayn u qaaday may garanayn waxaanay marwalaba ka caban jiratay kulan kooda oo yaraa awaadii Mustafe taasi waxay ku noqotay laf dhuun gashay oo waxa uu ahaa mid marwalba isku daya inuu raali galiyo gacalisadiisa waxaana la gadhay kulankoodi labaad waxay ku balameen guri ay inan maryan asxaab dhaw yihiin oo hinda layidhaa dagan tahay waxaanay kul meen habeenkaas iyagoo aad moodid in ay isku soo halilayaan xiisaha jacaylka dartiis
Mustafe waxa uu garaacay gurigii waxaana si dagdag ah uga furtay Maryan oo ka garatay shan qadh yaraan tiisa inuu isagii yahay markiibana salaan aad u kalgacal badan ayay kula booday waxaanay soo dhawayn diiran kadib fadhisteen qolka fadhigaa oo habeenkaas u eeka inuu yahay qol loogu talo galay laba is jecel waxa wada cas ee yaal awgii
Waxay habeenkiiyo dhan sheekaystaan waxa sharaab albaabka kala soo gashay
Hinda oo aad u xishoonaysa waxaanay ku bilowday
Salaamu calaykum walal
Wacalaykuma salaam
Maryan oo ka faaidaysanaysa salaanta wanaagsan ee Hinda ayaa tidhi
Wow! Salaam qurux badanidaa kaalay aan iskiin baro hadabee wiilkan kolay warkiisa waad haysaaye
Hayga khajilsiin ee iga daa Maryan.”
Wiilkan waxa layidhaa Mustafe wana kaanu nolosha waadigi doono hadii alle isku kayo simo
Marki ay intaas tidhi Maryan ayay Hindi iska baxaday waxaana hadalkii la wareegay mustafe oo yidhi, “Inantii waad ka xishood siisay.”
“Maya ee waan is kiin barayay oo kaliya, macaaan.”
Wayahay inta uuu yidhi ayuu ku yidhi; “Hadaaan caawa ku yidhaa ii cadee inaad I jeceshahay maxaad iigu cadayn lahayd
Inta ay cabaar fikirtay ayay ku tidhi; “Indha isku qabo anaa kuu cadaynaaya jacaylku halka uu iga gaadhsisan yahaye
Mustafena isku qabtay ayay dhunkasho aad u naxariis badan ka dhunkatay labada dhaban iyo sujuuda marakasay ku tidhi kala fur indhaha hadaba si aad iigu sheegtid intaa aan ku jecelahay ileen adaa cabirayaye, inta uu aad eegay indha Maryan ayuu heestan isagoo ku lu qaynaya ku yidhi;
Damiir hal adeegnimiyo
quruxda lagu daahayee
darandar indhii arkaan
marnaba daymada kadaaline
timaha kala degay dusheediyo oo
ilkaha dabarkaley dilee
waxaan dumar daydayoon
mid iidana raadiyaba
hadaan taan doonayee illaahay
kaducaysan jiray
anagu dejiyeyshelnee
rabbow isu kaaya daaa
www.saakow.com
dadnimo dhaqankeeda iyo
quruxda lagu deyrayee
dadkaba ruuxaysbartaan
kolnaba diiqad aanan gelininee
degeni socodkeeda iyooooo oooooooo
dibnaha madowgaleey dileeeee
waxaan dumar daydayoon
mid iidana raadiyaba
hadaan taan doonayee ilaahay
kaducaysan jiray
anagu dejiyeyshelnee
rabbow isu kaaya daaaa
Jacaylkaagu waxa uu ila mid yahay si aanan qiyaasi karayn hadaan ku idhaa waxanku qiyaaso ma garanayo maad ila yaabi macaan runtiina waxan ahay mid daradaa la il daran jacayl aan jacelaahay inuu midha dhalo.
Xiisaha jacaylka ee dhex maray kadib waxa ay dib u bilawdeen sheeko aad iyo aad u xiiso badan, xiisaha jacaylku ayaa laga dheehan karayay labadoodaba habeenkaas marwalbana waxa ahayeen qaar isku niyad san oo aan hadalka lakala khajilayn dareenkooduna uu isku mid ahaa raalina kuwad ah in ay nolosha wadagaan ilaa ay ka gaadhsinayaan heer mustaqbal oo intifaac leh iyo nolol wanagsan leh
Kulankan oo jawi Dagan ugu dhamaday oo aad iyo aad u heer sareeya kan xiisoo iyo xamaasadd badnaa kuwoodi hore waxay sidii ahaataba waxa Maryan iy Mustafe jacaylkoodi ogaaday dhamaan dadki xaafada iyo dhalinyaradiiiba waxaanay noqden dad lagu sheekaysto marwalaba oo la soo hadal qado midkood waxay sidaa ahdaana waxa ogaaday akhirkii xaafada Maryan oo ah dad lacag lay ah kana xumaa in inantooda lagu arko inan yar oo aan waxba haysan si ay taas uga hortagaana waxay Maryan u sameyeen wakhti cayiman oo aanay dhinacna u dhaafi Karin lakiiin laba is jecel isku raali ah dadkoo dhana iska xushay ma wayaan si ay ku kulmaan waxay kulmi jireen malin walba marka nusasacaha iskuulka la gaadho jacaylkooduna waxa uu ahaa mid sii xogaysta ee aan waxba u noqon turturo walba oo loo dhigo kuna qanac sanayeen in ay dhib iyo dheefba wadagaan ilaa inta ay ka midho dhalinayaan Maryana waxay ahayd mid marwalba telephonka kala soo hadasha Mustafe iyadoo ka cabanaysa sida loogu didaayo inay guriga ka soo baxdo waxaanay marwalba ku oo dhan jirtay, “Marwalaba ka fikirkaaga ayaan la ildaranahay iyo sidaan kula kulmaayo waxaan jecelahay in aan kula kulmo malin walba iyo xili walba macaan.”
Waxay saamyan wayn ku yealaatay hadalkaasi dabecadihii Mustafe iyo dhaqankiisii iyo fikirkiisiiba waayo waxa la qayb satay maryan su’aalaha marwalaban maskaxdiisa ka dhex guuxayay waxay ahayeen qaar ku salaysan mustaqbalaka iyo nolosha ay wadaagi donan Maryan waxaanu ku tirabi jiray heeso jacayl ah
Gabadh yahay kalgacalbaad
goortaan ku eegoba
qalbigayga gelisaa
waxse aanan garanayn
ii gunuday caashaqe
halka aad i gaadhsiin
Arin wuxuu sidii ahadaba waxaa lagaadhay fasaxi iskuulka Mustafena waxa uu u sheegay Maryan inuu doonayo inuu booqdo xafadodii kana soo war helo markii uu intas maryan telephone uga sheegay ayay ku balameen inay caawa is arkaan si ay isku sii maca salameyaan goor ay tahay 9 habeenimo ayay ku kulmeen meel aan sidaa uga durug sanayan guriga Maryanyo waxaanay fadhisteen meel aan laga arki karayn waxaana u bilaabantay sheeko ku salaysan jacayl ay doonayaaan inay ka midho dhaliyaan iyo dardaran mid walbaa kan kale la si dardaarmayo inta lakala maqan yahay afka Maryana waxa ka soo baxayay habeenkaas erayo jacayl oo aad u xiiso badan ku jecliyaa dadkana kugu jecliyaa runtiina waxan ka warwarayaa sidaan u nolaan doono adiga la’aanta marwalbana waxan ahaan doona mid adiga uun kaa fikirta runtiina waan ku jecelahay Mustafe oo aad u dareemay siday gacalisadiisu uga xun tahay tagitaankiisa ayaa yidhi, jacaylkaaga iyo lajoogaguba waxay nafatayda u yihiin farxad aan la soo koobi karayn marwalban markaan ku arko ayaan dagaa oo ay naftaydu kugu xasishaa lakiin runtii intaa aan maqanahay u malayn mayo inan nolol dagan ku nolaan doono waxanan kugu la dardarmayaa inaad jacaylka halkaaga ka sii xejiso dhib wal oo uu kugu qaatona aad u samirtid waayo samraa ayaa sadkii hela ,dartaa waxan ahay mid aan garanayn waxan adiga ahayn naftayda jacaylkaagu waxa uu ka dhigay mid aan jiif iyo joogba aan xamilayn cuntana aan cuni Karin talaabo wal oo aan qaadana adigaa ayaa iiga dhex muuqda markaa waxan macaan kaa codsan lahaa in aan soo noqdo jacaylkeena oo halkiisiya aadna waan kuu jecelahay’
Maryan oo ahayd dhagayste fariin jacayl iyo waano iyada ku soco ta ayaa aad daremaysay ilmada indhaheeda ku soo taagnayd ayay tidhi; gacaliye balan daro waa diin daro aniguna waxan kuu balan qadayaa inaad igu soo noqoto anigoo wali sidaa kuu ah kuna jecel waligayna ku maan hamiyin nin aan adiga ahayn inan nolosha la wadaago una malayn maayo inuu I calman doono qof aan adiga ahayn inshaa allah waxan kuu rajayanayaa inaad soo noqoto adigoo nabada reerkina kaga soo waranto nabad qab badan iyo barwaaqo marwalban anigu waxan ahaan donaa mid adiga ku sugta
Kadib wedhahaas jacaylka iyo balanta isugu jiray waxay ku balameen inay aroorta ugu timaado istaanka laga raaco babuurka.
Habeenkaas waxa uu ahaa habeen ay wadageen jacayl aad u xeeldheer oo mid waliba intii uu jeclaa kan kale libin laabkiis ay is sii jecladeen runtiina aad modaysid inay jacayl dartiis habeenkaas isku dul ooyayeen sida ay iskugu niyad samayeen waagii markiii uu baryay Mustafe waxa uu u xamaan uruursaday dhinacaa iyo istaankii maryana goor horeba way soo jarmaaday waxaanay ku kulmeen istaankii markiibana gaadhi dhaqaqaya aayuu helay inta uu shandadii soo dhigtay gadhigii ayuu maryan u soo noqday markaasu ku yidhi isagoo Maryan ku bilaabay waano kana cabsi qabay in jacaylkiisu ka baydho tubtii saxda ahayd waayo sida lagu helo ayaa aadag jacayl kan oo kale ah oo raali laysku yahay dhib iyo dheef la waadaago marwalba lawada faraxsan yahay waxanu hadal kiisu u badnaa waano iyo dardaran jacayl waxaana hadaladiisi ka mid ahaa:
“Runtii waxan jeclahay in aan nolosha wadaagno kana midha dhalino riyadeena ah in aynu nolosha wadaagno iskuna noqono xaaji iyo oridiis markan soo noqdana waaxan kuu balan qadayaa in aan hore u sii socono waxanan kaaga tagayaa xubidaydaay amaano jacayl oo aan wada beeranay kuna soo noqdo adigoo nabad iyo caano ah isagoo hadalkii wada ayuu gadhigi hoonkii u tumay is maca salameyeen iyadoon Maryan walilahadlin jecelna inay la hadasho oo ay kal sooni badan oo jacayl sii gashato waxaanay halkii tagnayd ilaa intii uu gadhigii ka sii qarsoomayay iyadoo kolba u gacan hadinaysa isna uu daqada uga soo gacan hadinya isagoo ku daraya in uu gacantiisa dhunkado hawadana u soo raaciyo iyaduna sidoo kale waxaanay halkii ka soo dhaqaaqday Maryan iyadoo aad modid in ay tabcaan tahay oo aan dhaqaqi karayn waxaanay malintaasi u ahayd malin ay aad u murugaysnayd kuna hamiyaysay jacaylka curdinka ah inay gaadhsiso heer ay wadagaan nolosha dhamanteed balse ay kari kari wayday, wayadaas oo dhana may ahayn mid si wanaaagsan u seexta oo waxay ka fikiri jirtay uun Mustafe iyo goorta uu soo noqon doono waxay ahayd mid marwalba dhawrta jacaylkii ay Mustafe u haysay .

Qaybtii Labaad
Sanad walba xiliga xagaga waxaa magaalada ku soo xagaa baxa dadka ka yimaada Yurub iyo America inta badana goobaha waxbarashadu waa fasax xiligaa, sidaas darted magaaladu waxay ciriciraysaa dad oo waxa buux dhafiyay dadkii soo xagaa baxay iyo ku wii waxbarashda fasaxa ka ahaa.
Siciid waa wiilka yimid cariga ingiriiska waxaanu joogay magaalada mudo week ah waa lacag lay wakhtigiisa oo dhan ku qaata iska meermeer iyo ku raaxaysiga lacagta uu kala yimid qurbaha,
Aroor arooraha kamida isagoo wata babuurkisa ayuu soo hormaray guriga Maryanyo waxa uu isha qalac ku siyay Maryan oo biyo ku dadinayasa dibada gurigooda aadna aan u asturnayn oo shaqo ayay ka haysay guriga ,markay aragtay ninka ku soo maqan ayay dagdag intay biyihii u dadisay guriga u gashay siciid oo iska tamashlayn ku joogay waxa u ka helay Maryan iyo quruxda ALLE u dhameyay markiibana waxa uu ku dadaalay cid uu kala xidhidho waxa uu helay inan ay saxiibo yihiin oo gala guriga Maryanyo ka soo horjeeda oo layidhaa Deeq markiiban uu telephone u diray isaga oo leh, “Saxiib waan kuu bahanaahay ee goorama ayaynu is araganaa
“Ma wax cusub ayaa soo kordhay Siciiid
“Maya ee arin yar ayaan kaaga bahanaa markaa goorma ayaan kuu imadaa
Caawa waxan iskugu imanynaa suuqa
Wayahay saxiib ee 7 haynoo ahaato
Ok
Kadib habeenaimadiiba waxay ku kulmeen goob ay dhaliyaradu ku badan tahay markiibana waxay iskula baxeen meel gaar ah oo aanay cid maqalayn waxay ku shekaysanayaan waxaana hadalkii bilaabay siciiid oo yidhi; “Saxiib Deeq waxaa maaanta iga ka soo gashay arin ee maad ii fulin ka raysaa haddaad kartoo;
Haa maxaa dhacay manan saxiibkaa ahayn maxaad sidaa u leedhaay ii sheeg
Saxiib waxan manta arkay inaanta gasha guriga kaa soo horjeeda markaa waxan doonayaa inaad ii soo gacan galiso saxiib ama aad ii qabato waxii karaankaaga ah
Kadib markii uu intaas yidhi ayuuu Deeq gartay inanta uu ka hadlaayo Siciid waxaanu ku yidhi;
Saxiib Siciidow inantaa soo xero galintedu way adagtay maxaa yeelay saxiib waxay wada socdaan wiil Mustafe layidhaa oo dadka oo dhan ayaa isku og markaa saxiib inan telephonekeda ku siiyo mooye wax kale kuuma qaban kaaraayo
Markii uu intaas yidhi ayuu siciid oo ka xun in ay wiil la socoto Maryan ayuu yidhi;
Saxiib waad mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad wax iigu sheegtay markaa saxiib waxan ku sheegayaa anigu arin aan guur ahayn Kama lihi ee kaliya waxan doonayaa inaan guursado gabadhaasi saxiiib
Deeq oo ku dhirigalinaya arinka guurka ayaa isagoo og in aanay Maryan yeelayn ayuu ku yidhi, “Saxiib u malayn mayo hadaad iyada ula tagto arinkaas inay kaa yeelayso lakiiin saaxiib xaga walidkeed ka wareeg waayo adigu waxaad tahay nin dibada ka yimid dad ka dibada kayimadana halkan aad ayaa looga qadariyaa.
Siicid isla markiiba yididiilo ayaa gashay waxaanu yidhi, “Wayahaya saxiib ee hawshaas ayaan gudo galayaa wanad mahadsan tahay aynu iska war haynona
Kadib markii uu siciid warbixin dhamaystiran ka helay Maryan ayuu isku dayay inuu kala hadlo mobile keeda lakiin waxay ahayd mid ku jarta ama aan ka dhagaysan waxa uu leyahay dhibaato ayaanu kala kulmay oo xataa fariimaha uu ugu diro smska kama ay so jawaabi jirin waayo waxay ogayd balankii iyo dardarankii adkaa ee mustafe marwalbana waxay ahayd mid la il daran jacaylka mustafe oo aan qaadi karayn qofkale iyo jacaylkale toona samraana sadkii wuu helaa Maryan habeena kumay seexan in loo aqal gayn doono nin aan ahayn mustafe lakiin Siciid markii uu Maryan dhinacna uu qadi wayay waxa uu ka wareegay xagii uu saxiibkii u sheegay ee ahayd inuuu xaga walidkeed ka wareego waxaanu durbadiiba u sheegay abihii in uu doonayo in uu guursado inanta Xaaji Ibraahim ee Maryan layidhaa, markibana aabihiii uu soo dhaweyaya kuna faraxay arinkaas waayo Siciid muu ahayn nin laga filayay guur iyo wax u dhow toona maxaa yelay dhawr xagaayoo hor ayaa lagala quustay,abihiii maxamuud cali waxa uuu markiiba bilaabay in uu la xidhidho cida ugu dhow ee arinkan ka cawin karaysa iskuna wanaagasan yihiin Xaaji ibrahim waxaanu helay oday cali oo ay asxaab dhaw yihiin Maryan abaheed una sheeg arinkii waxaanu ka codsaday in uu arinka dadajiyo oo caawaba uuu xaajiga u ban dhigo balan uga soo qabto in malinta khamiista ah ay inanta soo donayaan hadii ay raali ku yihiin, isla habeenkaasba waxa uu Oday Ismaciil u tagay Maryan abaheed kadib ayuuu Xaaji Ibraahim yidhi, “Waar xiligan maad socon jirine caawa maxaa jiray
“Waxba ee arin yar ayaa soo kordhay oon kula imid
“Bal ii sheeg
Illahow dhibaato ha ka yelin ayu ku ducaystay
“Manta waxaa halkii shaqada iigu imid Maxamuud Cali oo iga codsaday in aan arinka uu ka lahaa u galo markaa horta sidaasan kugu yimid arinkuna waxa weeyan inankiisii dibada ka yimid ayuu u doonayaa inantada Maryan markaa malinata khamiista ah ayay doonayaan in arinku dhacoo.
Xaaji ibraahim mayaba kama uu soo celin ee waxa uu yidhi Waa sax waana arin wanaagsan ee sidaa hayno ahaato.
Maryan wali waxay la ildaran tahay jacayl uu ka maqan yahay aktarkii la jilayay waxayna wakhtigeeda badankiisa ku qadataa qolkeeda iyo fikirka iyo aramida jacayl ee soo ridatay ayay la kici kari laadahay ilaahayow qof aan waxab ogayn ha cadaabin ,halkan guurigooda dhexdiidsana waxaa lagu bixinayaa iyada,iyadoon waxba laga waydiin ayuu abaheed iyo hoyadeed isku raceen in la siiyo wiil aanay is garanayn xaataa anay isku dabeecad wada noolanshiyo dhex mari Karin waayo waxa uu ku barbaaray Siciid wadanka uk inta badan halkan waxan dhawr usbuuc ahayn muu iman jirin halkan
Waxa soo dhawaatay malintii balantu ahayd waxaanu abahed u sheegay Maryan hoyadeed cawo inay inta ka horaysa khamiista ka dhadhiciso inanta guurka oo ay ka sii ogalaysiiso lakiin war uma hayo inay la sooco to mid hadii raga oo dhan lasoo safo ay isaga uun qadan lahayd waxwal oo uu yahayba Maryan hooyadeed oo sidii loo shegay yeelaysa ayaa ugu tagtay qolkeedi iyada oo iska dhex fadhida waxaanay ku tidhi;
Maxaa ku helay eed lajiiftaa uun horta
Waxba, waxba hooyo!
Soo kac oo igu kaalay fadhiga soona dhakso arimo ayaa ii yaale
Marki ay intaas tidhi aayay dagdag u saro kacday ugana dabatagtay maryan niyadeeda marna may soo gashan guur iyo wax lamida toona lakiin maskaxdeeda waxa ka dhex guuxayay Mustafe iyo siday ugu bahan tahay qadar yar dabadiina waxay ka daba tagtay hooyadeed intii anay fadhiisan ayay markiiba tidhi Hooyo maxaa cusub ee aan kuu qabtaa
Waxba ee soo fadhiiso arin baan kuu hayaaye
Wayaahay ee maxaa jira hooyo
Hooyo Maryaneey waxa lagaadhay xiligiii aanu ka fikiri lahayn mustaqbalkaaga iyo ciddad la waadaagi doonto markaa hooyo aniga iyo aaboba waxaanu kula jeclaanay wiil uu dhalay oday Maxamuud Cali oo dibada ka yimid markaa hooyo khamiista ayuu ku soo donayaa ee sidaa ula soco hana nagu didin hooyo oo duco naga shaqayso
Markii ay intaas tidhi ayay Maryan qaracantay oo ay hadli Kari wayday iyadoo aad modid in ay beerka ka naxaday sida ay u hadli Kari layd ayaa tidhi
Maa nigaa la isoo donayaa…!
Haa ee hanagu didin hooyo
Maya maya maya!! Anigu Nin anan garanayn wax uu yahay ma guursanaayo aniguna ma joogo xiligiilay doori lahaa qofka aanu nolosha wadagayno hooyo ee iga daaya ma doonaye;
Maryan hooyadeed oo hadalka ku kulaylinaysa ayaa tidhi
Nayaa waan garanayaa waxa aad doonaysid inan yar oon nafitiisaba ku filnayn ayaad doonaysaa inaad raacdo ma abahaa iyo familgina ayaad doonaysaa inaad sharaftooda meel kaga dhacdo taasi suuro gal maaha,
Maryan oo naxsan ayaa tidhi, “Hooyo sharaftiina meel kagama dhaacayo inan nooleeyo mooye lakiin hooyo hadaan anigu raali ku ahay in aan nolosha la qaybsado wiil aan aqaan wuxuu gudi karo iyo wuxuu fali karaba maxaa ii didaaya ee I raacinaya nin anan garanayn wax alle wax uu yahay hooyo lacag iyo dibadba waa laheelaa lakiin sida lagu helo ayaa adag laba qof oo raali isku ah jecelna inay nolosha wada wadagaan
Markii ay intaas tidhi ayay Maryan hooyadeed ka cadhootay sida Maryan aanay u qarsanayn jacaylka Mustafe ee ay raalida ku tahay waxaanay ku tidhi
Anigu kuma garanaayo halkaad ku socoto ee caawa abahaa ha yimaado!!
Maryan talaa ku cadaatay waxaanay aad u ixtiraamtaa abaheed mana jecla in ay hadalka ku celiso lakiin waxa kaga sii daran in uu abaheed arinkaa ula yimaado iyo siday uga bixi lahayd waxaana la gaadhay habeenkii markii uu abaheed soo hoyday ayay hooyadeed u sheegtay waxay maryan kala kulantay isagoon dhincna eegin ayuu Maryan oo qolkii ku dhex akhrisanaysa buug jacayl ah inta uu ka gundhiyay gidaarka ka jaray kuna yidhi isagoo si adag ula hadlaaya Waan hayaa warkaaga inaad doonayso inaad sharaftayda dhulka la gasho oo aad raacdid wiil aan waxba haysan oo aan naftiisaba ku filnayn oo aad diiday waxan aniga iyo hooyadaa kuu soo goynay imikana waxan kuu sheegayaa inaad soo kala doorato duco waalid iyo habaar waalid
Maryan oo aan aabaheed waligeed hadal ku celin ixtiraam dartiis ayaa ku tidhi
Aabo maan aaniga waxba layga waydinayn guurkayga lakiin sideed iigu quudhaysaan Nin aanan garanayn wax uu yahay wax naga dhexeyaana aanay jirin
Iyadoo hadalkii wadata ayuuu ka dhex galay abaheed markaasu yidhi
Hadii aad dhago leedahay anigu khamiista waan ku bixinayaa hadii aad diidana gurigana ii dhaaf cidaad jeceshayna raac waligana habaar waalid ayaan kugu ogahay.
Qofna ma jecla inuu qof aanu nolosha lawaadagi Karin uu la nolaado qof wal oo bini aadmi ahina waa u xor cida uu la wadaagayo nolosha oo waxaan u doori Karin walaa waliid walaa cid kale lakin waxa lagu leyahay talo iyo in la waaniyo.
Maryan oohini way u dhamaatay habeenkaas oo dhana iska daa inay hurdo seexato ee waxa indhaheeda ka qubanaysay ilmo aad moodid in uu dhiig ku jiro wajigeedana barar dartiis uu la buurnaaday kana luntay quruxdii sariirtii uu abaheed kaga dul tagay ayay wali ku jiiftaa sidii baanu waagii ugu barayay iyadoon afka markaliya isku qaban beerkana ka oyaysa iyo siday wax ugu sheegi doonto marka uu Mustafe yimaado waxana maskaxdeda ka dhadhici la sida dad cidii ugu dhawayd ee ahaa abaheed iyo hooyadeed ugu qudheen in ay nolosheda la qaybsato cid aanay garanayn .malintii la soo doonayay waxa ka hadhay barii oo kaliya dhamaan dadki xafaduna way ogadeen oo waxay la yaban yihiin guurka aanay inantu raalida ka ahayn ee hadana lagu khasbaayo lakiin waa wax ka dhaca inta badan dhulka soomalida oo hablaha la siiyo wilal aanay garnayn oo lagu siinayo dibada ayuu ka yimid iyo lacag ayuu leyahay aan loo meel dayan waxa hadhow ka dhalan karaya malintaas oo dhan muuroogo iyo ciil dartiiis ayay hadli kari la’ad waxaanay ahayd mid siidii sakaraatul mawt hayo hadal daysay oo yaalinku dul ah sarrirta ,xafadoodana waxaa ka socotay hawl adag oo loogu diyaar garoobayo bixinteeda,hooyaded waxay u yeedhatay xigtadii oo dhan iyo dumarkii ay iskugu dhawayeen abaheedana aderadeed iyo abtiyasheed ayuu u yedhay sii ay goob joog ugu ahadaan bixinta inanta waxa lasii xamaan uruursadaba waxa la gaadhay malintii arbacada arin oo dhamina waa u diyaar reerka inanta iyo reerka inankaba.
Manta waxaa bil laga jogaa mailntii iskuulka la fasaxay ee uu mustafe tagay reerkoodii waxaanu soo noqday isaga oo aad u sii quruxaystay dhulka oo barwaaqo ahaa daratiis soona caano dhamay waxa uu magaalada soo galay abaaro 9 subaxnimo isaga oo dalana dartiis markiba waa uu iska seexday qadadii markii uu u kacay qadeeyayna ayuu la hadlay maryn sidii cadada u ahayd awalba maryan markay aragaty numbarkii mustafe ayay isla markiiiba garatay inuu yimid iyadoo aad u naxsan dhinacna ka faraxsan ayay tidhi
Hallo
Hallo Maryan maa ii fican taahay macaan
Haa aad baan kuugu fiicanahay ee ii ga waranxaladaada iyo sidii lagu ahaa reerkiiiba
Aad baa gacaliso loogu ficnaa ee adna ii waran bal side ayad tahay iyo noloshahdaba
Macaan anigu waan wacanahay arina sidad ku ogayd wuu iska badalay ee telephone kaagama sheegi karayo ee caawa iigu kaalay gurigii Hindiyo
Waayahay ee ma wax dhibaato ah ayaa soo korodhay
Maya gacaliye anigu sidaan waligay kuu jeclaa ayaan maantana kuu jecalahay kuna jeclaan doona ee caawa soo dhokhso
Wayahay macaan aniga waxaa aan la ladi layahay amaba hurdo ii diiday waa jacaylkaaga marwlbana waxan ka fikiraa sidii aan nolosha kula qaybsan lahaa adiga macaan aad baan kuu jecelahay ee waa inoo caawa
Markii ay intaas is waydarsadeen ayuu Mustafe dib u fikiray waxaanu gar waaqsaday inuu arin cusubi soo kordhay.
jacayl dartiis waxa uu ahaa malintaas mid ay ku dheertay wakhtigii balantu oo wakhtiga u arkayay mid aan dhaqaqaynba intay wakhtigii balantu gaadhaysay ayaa kaga badatay buur waxa lagaadhay wakhtigii balantu ahayd Maryana goor horeba waxay sii tagtay gurigii hindiyo Mustafena wakhtigii balanata ayuu ku soo beegay kadib gurigi markii uu garaacay ayay ka furaty Maryan iyagoon wax hadal ah is waydaarsan ayay isku dhageen salaam kal iyo lab ah una badan arami jacayl oo wada jir u haysa waxaanay sidii ahayeen mudo kadib ayay qolkii fadhiga fadhisteen iyagoo wali sidii isku haysta xiiso badanaa kulanka jacaylka ahi marka ay labada qof raalida isku yihiin waxaanay sidi ahadaanba waxay bilabeen sheeko dhadhan jacayl leh layskana waaraysanaayo waxawalba waxaanay aryan mudo ka waraysanaysay reerkii iyo sida lagu ahaa markii uu mustafe nabad qab badan ku sheegay ayuu ku yidhi
Maryan maxaa cusbaa ee soo kordhay
Inta iyadoo gacmaha gacmihiisa kula jirta ay siyar oo ayar aayar aah ugala baxaday ayay hoos u fooorasatay iyado garan la si ay wax ugu sheegto mustafe iyo halka ay ka bilaabayso; waxana arkay Mustafe oo ku celiyay hadalkii lakiin inta ay wax ay ugu jawaabto garan wayday aayay iyadoo ilamadu indhaheeda qubanayso tidhi;
Macaan Mustafow waligay waan ku jeclaa jacaylkaga dartiis na waxaan u huray nafatayda sidii aan kuu raali galin lahaa marwal iyo daqiiqad walba waxan ku rajo waynaa inan inta noloshayda ka hadhay in aan adiga nolosh kula wadaago lakiin arin waxa uu xumaaday marki ay aabahay iyo hooyaday ay isiyeen nin aanan garaanayn wax aalale wax uu yahay.
Mustafe talo ayaa ku cadaatay hal ilibidhqsina kumuu fikirin arinka ay Maryan u sheegtay ee waxa uu filaayay arimo kale markiiban isagoo aad moodid inuu naxsan yahay ayuu ku yidhi
Goorma ayaa lagu bixinayaa
Bari 9 subaxnimo
Ma baridan dhow
Haa gacaliye lakiin anigu raali kuma yihi waxan u sheegay xafadayada lakiin cid wax iga dhagaysataba waan wayay waxaanay ii sheegeen in aan kala doorto duco waalid iyo habaar waalid lakiin anigu waxan lajiraa adiga naftaduna adigay raali kaa tahay kumana qasbi karaaayo nin aanay raali ku aahayn inay nolosha la wadaagto markaa anigu adiga madaxagga ayaan ahay ee I meelee runtiina waan ku jecelahay waxa ilmada indhayga ka shubayana maaha wax sahlan ee waa jacaylkaa aad igu beertay
Mustafe waxa uu la yaabay sida adag ee ay ula hadashay maryan wax uu kumeel gaystona mahayo isago aad uga xun siday wax u dhaceen ayuu yidhi Maya sidaa ha u hadlin aniguba waan ku jeclaa ee kalidaa imaad jeclayn waxaanaynu ahayn qar nolosha ku qanacsan inay wadagaan lakin hadii u arni sidaa noqda walal waxaan kaa codsan lahaa inaad habaar waalid waligaa ka dheerato inta karaankaaga ah raacdan siday walidkaa kula jecaladeen inakuna hadii ILLAHAY isku keen qoray is waayi mayno
Maryan way yaabatay sida uu ula hadalay Mustafe lakiin waxayna ogayn in aanu jeebkiisa waxba ku hayn waxayna tidhi
Marna kamaan filayn in aad sidan ila hadli doontid wax walbana anigaa kugu jecel ee adigu igu raac oo kaliya
Mustafe isagoo u caqli celinaya Maryan ayuu ku yidhi wax wal oo aduunkan ka dhacaa xaga ALLE ayay ka qoran yihiin in sidani dhacdana way qornayd markaa ku samir yeelna siday reerkiinu kuugu taliyeen waayo anigu hadaan maanta ku kaxaysan lahaa meel aan ku geeyo ma haysto lakiin hadaan xataa ku ka xaysto abahaa iyo reerkina kama amaan helayo markaa fadlan hadad maanta in uun I jeceshahay sidaan ku idhi yeel malin manta ka wanaagsan ayaynu is heli hadii ALLE isku keen qoraye
Maryan talaa ku cadaatay ilmada indhaheeda dareeraysaa waxay qoysay wajigeeda waxay sidii u doodaanba waxa uu akhirkii Mustafe ku qanciyay in ay yeesho sida ay walidkeed la jeclaadeen maryan oo oohin darted aan hadal ka so baxayn ayaa iyadoo aad moodid inay naftu ka gurmayso tidhi hadal Mustafe aad u taabtay ilaa malinkaan ku jeclaaday ilaa manata habeena ma seexan hurdo la’aantaa marwalbana waxaad ahayd mid naftayd ku dheer oo dareenkaygu la jiro hadii aan is idhaa shay qabana adigaan kaa dhex arki jiray iyo wanaagaad ii samayn jirtay daradana waxaan ahaa mid nafateeda u huraty sidii ay jacaylkaeeda u haqab tiri lahayd waxay nafataydu adiga dartaa igu qasbi jirtay in aan sameeyo wax wal oo suuro gal ah maantana adigaa igu qancinaaaya in aan raaco qofkale oo aan oogahay in anan nolosha la wadaagi karayn ogow waxaad naftayda ku qasabtay go’aan aanay waligeed yeeli lahayn adiga dartaana waan u yeelay manta; waxanan ahaan doona mid waralba ku xusta kuna xusuusan doonta waan ku jeclahay ilaa waligayna waan ku jeclaan donaa Mustafe laftiisu waxa ku soo istaagatay ilmo waxanu marwalba faraha kula jiray indhihiisa wuxuu sidii ahadaba akhirkii waxay ku kala tageen in ay yeesho sidaas madama ay dantu kaliftay waxaanay ku balameen inay soo wada xidhidhaan oo anay sidaa ku kala hadhin.
Markii ay intas is waydarsadeen ayay kala taageeen iyago aad modiid in mid walba
Kan kale geeridisiii loo soo sheegay.
Mustafe waxa uu gurigoodi tagay isagoo uu kaga horeeyo Maryan abaheed waxanay ku kulmeen isagoo albaabka ka soo baxaya waxaanay is waydarsadeen weedhaahan
Imika ayaad inantaydii ka timid sow mahaa waxan kuu shegayaa hadad guurka caqabad ku noqoto in aad noloshada oo dhan waayi doontid
Mustafe oo habka hadalka u dhashay ixtiraam waalidna ku daraya ayaa yidhi
Adeer inantadiii waan kuu dayay ee ma wax kale ayaad igu haystaa
Isagoon u jawaabin ayaa ay habaryartii soo boday inta ay ka xanaaqady sida adage ee uu mustafe ula hadalay ku tidhi
Hadii inan taadi laguu dayay orod oo Na dhaaf ogowna in aan jacayl laheli Karin lakiin lacag la heli karo
Markii ay intaas tidhi ayuu Maryan abaheed ka tagay
Maryan loo sheeg in abahaeed daydayay oo uu Mustafe gurigoodi tagay markiibana yaabtay iyadoo is garan la waxay samyso iyo dhibka ay u soo jiiday
Mustafe ayay qolkeedi hoosta iskaga soo xidhay markiibna waxa yimid abaheed oo aad u cadhaysan wuxuuna ku garaacay albaabkii isagoo u hanjabaya
Iga fur
Inta ay ka furtay ayay iyadoo hoos eegaysa ku fadhiisatay sariirta konahedii markasu ku yidhi isagoo aad u qaylinaaya
Hadii aad diido guurka waxa aad doonayso waanku ogahay labadabana waad seegi oo halkaas aayaad maxbuus igu ahaan markaa anigu bari waan ku sinayaa inankaa iga kaa soo doontay ee dibada ka yimid lacag ku filana haysta ee ma yeeli karo in aad inan yar oo kale ila hoos cararto sidaana ku diyaar garow.
Mustafe waligii marna niyada soo muu gashan in uu Maryan wayayo lakiin wayaha aduun waxwalba way kenan waxanu ku sigtay in ay maskaxdiisu is dhaafto oo uu maryan darted ku sigtay dhimasho waxaana ka war helay abtiyayashii oo isku dayay inay uguriyaan lakiin uuka diiday inan aan Maryan ahayn akhirkina ay kula taliyeen inuu noloshisii cadiga ahayd iskaga soo noqdo oo uu iskulkiisa dhamaysto shaqaystana aanu is raacin aduunyada iyo waxa ka dhacayaba.
Maryan waxa la siyay nin aanay raali ka ahayn laguna siyay dibada ayuu ka yimid ee aan loo meel dayin hadhow iyo waxa ka iman kara guurkaas Siciid oo ahaa wiilkii la siyay Maryan maarkii u u laaawareegayba waxa u ka dareemay sidaanay raalida uga ahayn iiyo sidaanu raaxada uu guurku lahaa uga helayn waayo naftu waxay ku xasishaa guurka raalida laysku yahay lakiiin guurka labada qof laysugu geeyo dan waalid iyo mid lamida toona ayahiisa ayaa iska yaraada Maryan iyo Siciid waxay sidi u wada jogaan iyagoo dhib mooye aan dheef guur isku qabin ayuu siciid fasaxii ka dhamaaday waxaanu u bohlyoobay carigii England ee uu markii horeba ka yimid markii uu maqnaa mudo sannado ah ee ay wax war ah ka wayday laguna soo sheegay balwado badan oo uu lahaa marki horeba ayaa ay Maryan reerkoodii u tageen reerki inanka waxaana ay ku wargaliyeen in ay inantii so fasaxaan hadii kale ay la wareegan markiba waxa laga war doonay Siciid oo telephone ka lagula xidhidhay isagoon ka warwareeginba waxa uu si toos ah u soo diray warqadii maryan reerkoodiina yaab waxa helay inankiii lakiin waxa la dhadhacay balwadihiisii iyo noloshiii uu ku nolaa oo ka fogayd xaqiiqada kuna salaysnayd khiyaali badan oo ahaa madhalays aan isaga iyo ayihiisa danbeba aan u ficnayn Maryan arinkaa way ku faraxday imikana waxay joogtaa gurigooda waxaany wakhtigeeda ku qadataa inta badan cibadada ALLE iyo guriga oo ay joogto inta badan waayo iskuulkii waa laga saaray wixii looga saaray ee aha guurkana may raali ka ahayn ee waxa uu ahaa guur lagu siyay dibada ayuu ka yimid iyo lacag ayuu leyahay jacaylkeedina way ku wayday nolosha dhamaanteedna wax micno ah ugu ma fadhido waxaanay tahay qof iska nool oo wax walba oo ay noqon lahaydba ay walidiinteed seejiyeen .
Mustafe malintuu imitixaankii form four ka baxay waxa uu qabsaday jidka dheer ee loo maro libya ma haysto wax kharash ah oo uu ku tago haduu haystana ma aha mid Ethiopia dhaafina cadhadii uu ka qaaday nolosha uu soo maray iyo gacalisadiisii sida khaldan lagaga qaaday ayaa ku kaliftay inuu u tahriibo qaarada yurub si uu isna u helo darajada dadka xuquudooda lagu luminaayo ee ah dibada ayuu ka yimid. silic iyo saxariir ayuu ku tagay sudan waxaanu ka noqday kirishbooy mudo markii u ka ahaa waxa uu lacagtii uu ka shaqaystay ugu amababxay saxaraha dheer ee libya loo maro,Mustafe kama maqna dhibta uu leyahay saxarahasi oo warkiisa u hayaa lakiin waxa wata wax ka awood wayn oo aanu iska celin ka rayn oo ah nolosha uu cuqdada ka qaaaday dhamaanteed waxaaanu ku nolaa nolol aanu dhimashadeeda iyo dhayaheeda kala jeclayn waayo waxa uu ka xumaday gabadha uu jeeclaa ee lagaga qaaday walaaga lacag badan yahay iyo dibada ayaa laga yimid oo xataa gabadha labixinayaa aanay raali ka ahayn mustafe waxa uu aaminay weedha ah “jacaylka iyo lacagta lacagta ayaa power wayn” waxaa uu dhib, oon, gaajo,rafaaad iyo dhibaato aduun ku mutay siduu saxaraha aadka udheer uu uga gudbi lahaa aakhirkiina waxaa uu gaadhay libiya waxay ku qaadataba
Mustafe qofka arkaa ee markii hore yaqaanay wuu iska agmarayaa diifta iyo daranyada ka muuqata awgeed iskadaa in lagartee xataa kuma soo suurayn karaysid waayo marwalba waxaa uu ahaa mid ku adag in uu dhib iyo dheefba cagaha soo saaro meesha noloshiisii oo dhan lumisay wuxuu libiya joogoba mudo bilo ah wuxuu bilaabay siduu u baadi goobi lahaa lacag uu doonta kuraaco aakhirkiina waxaa uu shaqo ka helay beeralayda liibiya. Markii uu laba bilood sidaas kushaqaysanayay waxaa u dhamaystirantay lacagtii uu doonta kuraaci lahaa waxaa uuna udhaqaaqay dhinacaa iyo bada isagoo aad uuga warhaya dhibaatada lagala kulmo bada iyo safarka dheer ee ilaa Talyaaniga lagu tago oo aano qof caqli saliima lihi naftiisa uquudheen Laakiin caqliga fayoobi waxa uu kujiraa jidhka fayow meel uu dhul iyo cir maraayo ma oga waxa uu cadna waa inuu nolosha haalkaas taal iyo dibadaa noloshiisii dhantaashay soo arko aakhirkiina waxaa uu doon karaacay xeebaha wadanka Liibiya markay laba maalmood iyo laba habeen bada kujireen ayuu Mustafe xanuunsaday doontiina xumaatay waa badwayn dhexdeed ILLAHAY mooye ee bani aadmi umaqan hadalkiisa daa waxaanu bada kusii dhexjiray afar caano maal oo danbe doontana wuxuu kudul ahaa qof aan nafi kasarayn oo doonta iska dhexyaal aakhirkii waxay badwaynta kudhex silcaanba waxaa badbaadiyey ILAAHAY kasokow markab lagalahaa jasiirada Malta oo Mustafana uqaaday cisbitaal isaga iyo intii ildarnayd dadkii kalena xero qoxoonti.
Markii mudo lagu baxnaninayay cibisbitaalkii ee uu ka soo reeyay kuna soo noqday inuu noloshii caadiga ahayd waxa uu halkiisii ka sii waday socodkisii isagoo gaadhay wadanka ingiriiska oo uu iska dhiibay waxaanu markii uu isdhibayba ku dadaalay sidii uu noloshiisa isbadal ugu samayn lahaa waxaanu ahaa mid qabanayay shaqo wal oo uu ku muytaysan karayay shaqo waaxaanu akhirkii ahaa mid si wanaagsan ula qabasaday noloshii cusbayd lakiin muu ahayn marwalba mid kamadhan jacaylki iyo noloshii u la wadaagi jiray maryan waxanu noqday nin reerkoodi oo dhami ku tirsan yahay isla mudo yar gudaheedan waxa uu reerkoodii u soo raray magalada hargeisa oo uu uga dhisay guri waxaanu ku daadaalay inuu reerkooda u so ka xaysto dalka England markii uu mudo usoo dodayna waa uu kaxaystay abihii oo diday moyee reerkoodii oo dhamina waxay u boholeen cariga UK Mustafe dadaalka adage ee uu noloshiisa u soo galay waxay gayaysisay in dad badan oo aan markii hore u soo jogasan jirin ay imika u soo jogsadaan kana dalbadaan wax wal o ay uga bahdaan Maryan kama war la nolosha cusub ee uu Mustafe ku nool yahay Kaman rajo qabta in noloshii ay waayo wadaagi jireen ay u soo noqoto lakiin Mustafena Maryan xagiisa waxay ka tahay mid wali ah xaas oo saygeeda la joogta waxaanu ahaa mid marwalba niyada ka jecel Maryan markii uu maqnaa muddo sannado ah waxaa uu akhirkii go’aan saday inuu soo xagaa baxo markibana waxa uu dagay gurigii cusbaa ee uu u soo dhisay reerkoda isaga iyo abihii oo hore u sii daganaa .
Markii u yimid ba waxa uu booqday gurigii uu ku soo koray ee habaryartii hadayado badan oo uu u siday ka dib waxa uu si kaftan ah ugu yidhi Maryan iiga waran ileen waxay ahayeen isaga iyoo habaryartii will iyo walidkii oo iska warqaba markiibana garatay ujeedadiisa markasay ku tidhi iyadoo aad modid inay kaftamayso
Orod oo imikaba guurso inan taasi way madax banan tahaye!!
Habo malaha waaad igu ciyarysaa inankii lasiyay ee dibad ka yimid maxa helay
Markuu intaas yidhi ayay habaryartii uga dhacday sheekadu siday u dhacday iyo waxay kal kulantay guurkaas khasabka ahaa waxaanay iyadoo ku dhiri galinaysa ku tidhi
Hooyo wal oo jecel inay inankeda u guuriso waxay la jeceshaahay in ay inankeeda u dhisto maryan wanaageeda awgeed iyo dhagankeeda dinteeda iyo asluub wanaaga ay inaan taasi leedahay habo aniguna waxan ku odhan lahaa kulana jecelahay in aad inantaas guursato
Markii ay intaas tidhi ayuu Mustafe ku yidhi isagoo dhoola cadaynaaya
Marki horeba waxan ku jeclaaday wanagaas lagu wada arkay ayuun buu ahaa ilaa malinkaa ilaa mantana malina kamaan saarin maskaxdayda iyo qalbigaygaba toona.
Markii ay intaas is waydarsadeen ayuu u balan qaaday inuu hawsha Maryan gali doono Lana xidhidhi doono iyada
Mustafe habeenkaas oo dhan waxa uu ahaa mid ka fikira maryan iyo sidii uu mar labaad nolol xeel dheer ula wadaagi lahaa habenkiiyo dhana kamuu seexan waxanu ahaa mid la iladaran jacaylkii Maryan ee ku soo laba kacleyay markii uu waagi u baray isagoo sidii ah ayuu goor ay tahay barqo la hadlay Maryan waxaan dhex martay shekadan
Hallo!
Hallo! Maryan miyaa walal
Inta ay yara garatay ayaya hadana shaki ka galay ileen waa jacayl ka baadaye
Waa nigan kula hadlaaya ee waa kuma
Isagoo la kaftaamaya ayuu hadana ku celiyay oo yidhi
Ima garanaysid miyaa
Haa walal ee isku kay sheeg
Inta uu cabaar fikiray ayuu garan wayay wax uu ku yidhaa marka suu soo xasuustay hadal hayskoodii ahaa
Maryan waan ku jecelahay waligayna waan ku jeclaa kuna jeclaan donaa
Markiiba garatay qofka lahadlayaaa cida uu yahay mise waa Mustafe oo aanay meeshaba ka filanayn iyadoo yaaban maskaxdeedana ka dhadhici la ayay ku tidhi
Anaa kaa daran in aan la qiyasi karayn
Markiiba waa lays gartay laysna waraystay mid aad u qoto dheer oo uu jacayl ku dhehan yahay.
Kadib waraysigaas iyo wayahii dhacay inta badan wakhtigii ay kala maqnayeen ayay iska xog waraysteen waxanay akhirkii ku balameen guriga Mustafe reerkooda isagoo lahadlaayaana waxa uu yidhi
Gacaliso Bari aynu isku nimaadno adiguna kaalay xafadii saxibadaa hinda aniga ayaa ka soo doonaya ee sidaa haynoo ahaato macaaan
Wayahay gacaliye
Waxaa soo nolaaday jacayl ay wada jilayeen laba isku rali ah oo ay dhan taleen lacag, waalid, dibad iyo wayaha aduunka oo iska badan waxa aanad ka dareemaysay in uu jacaylkii soo laba kacleyay uu maraayo heer uu midho dhalo
Mustafe waaxa uu u diyaariyay gurigoodii isagoo Maryana ugu talo galay soo dhawyn tii ugu wanagsanayd ee intay wadda socdeen kal mutaystaan mustafe waxa uu u soo ababaxay gurii Hindiyo, Maryana gor horeba way soo diyaar garowday iyadoo aad u labisan markii uu soo hor istaagay gurigi ayuu hoonka u garacay
Maryan isla markiiba way garatay waxaanay u soo baxaday dagdag iyadoo aad mudid xuural cayn quruuxdeeda ayay soo baxaday markiba Mustafa markuu arkay ayuu gadhigii uga soo dagay isagoo aad modii inuu la indho daradaray quruxda gacalisadiisa iyo sida aanay wayadaa iyo sannado badan isku arag ayuu ku soo orday iyana sidoo kale soo oroday markii ay isa soo hor istageen ayay iyakoon wada hadal isku dhageen ileen waa kalgacyl kala raagaye ay dhunkasho laba is jecel oo kal raagay is dhunkadan isa siyeen markii ay mudo tagnayeen ayay iyakoo gacmaha is haysta fuleen gadhigii markiibana waxay tageen gurigii Mustafiyo, alabaabka markay ka galeen ayay Maryan si wanaagsan u garwaaqsatay sida wanaagsan ee uu gacaliyaheedu u soo tabcaday waxay fadhisteen beer yar oo guriga xagiisa danbe ah oo uu Mustafe u sii diyariyay waxayna ahayeen qaar aad modid inay nolosha wadageen oo ralii isku ah siday isku ag fadhiyeen iskuguna faraxsanayeen waxanay dib u bilabeen jacayl qotodheer oo ay ka soo bilabeen ilaa yarantoodii
Waxaanay wadagayeen sheeko dheer oo is waayo waraysi ah kadib Mustafe waxa uu u soo dadagay arinkii ay habaryartii ku dhiri galinaysay ee ahaa guurka Maryan isagoo usoo bandhigayana waxa uu yidhi
Jacayl mudo dheer aynu soo wadaagaynay ayaa inaga dhexayay dhibaato wal oo uu soo marana manta waynu wada jognaa ILLAHAY mahadii markaa macaan u malayn mayo inaad igu didayso ee waxan jeclaystay in aan kamidha dhalino jacaylkeeni una badalno heer uu lamaanobo oo aynu isku noqono xaaji iyo oridiis
Maryan marna kamay filayn maskaxdeedana may soo galin in uu guur ula iman doono mustafe waayo waxay ogayd waxay reerkoodu badeen ayay iyadoo dhinacna ka faraxsaan yara xishoonaysana tidhi
Macaan mustafow anigaba waxa ishaa ii yeelay jacaylkaaga ayuu ahaa aniguna waxan raali kugu ahay sidaad raalida iigu tahay arina gacantaada ayuu ku jiraa Mustafe oo aan sannadaha arag jacaylka maryan iyo hadalkeedii wanagsanaa dhaqankeedii iyo asluub wanagedii ayuu yidhi
Macaan waxan doonayaa in aan is guursano kuna soo gogol fadhiisto arinkana aan dadajino oo aan walidiinteen u sheegno
Wayahay gacaliye ee anuu caawa ayaan reerka u sheegayaa markaa goorma ayaynu balanta ka dhiganaa
Waxa aan doonayaa in aan malinta isniinta ah ka dhigano doonista isla jimcahana aan aqal galno
Wayahay gacaliye runtiina manta maalin iiga farxad badan isoo maraimayso maarkiba waxa lagalay hawshii oo Maryan habeenimadiiba markii ay tagtay gurigoodi waxa ay u sheegtay hoyadeed kadibna intuuna abaheed iman ayay iska seexatay markii uu abaheed yimidna waxa u sheegtay hoyadeed oo uga warantay siday wax u jiraan markiiban odaygii u yaabay sida ay wax u dhacayaan iyo inuu inantiisa ka soo doonay wiilku malintii sida arxandarada ula hadlayay markii waagi baryayna waxa uu u yeedhay maryan oo uu ka waraystay siday wax u jiraan waxanu hadalkeeda ka dhadhansaday sida ay raalida ugu tahay guurkan,
Tababushihii hawsha ayuu galay Maryan abaheed waxaanu iskugu yeedhay adeeradeed iyo abtiyayasheed una bandhigay siday wax u jireen isagoo hadalki watana waxaa ka Ag kacay maryan Adeerkeed Axmed oo aad u kacasan isagoo hadal adag ku hadalaaya si uu hadalkisu u socdo ayuu yidhi, “Walaal Maxamuudow gobanimadu sida ku jirtaa dhaqankeenuna dhigayaa waa walal inankaa inanta inaga soo doonay in aynu inantaa siino inakoon ka qaadayn wax allele wixii laga qadi jiray wiil gabadh soo doonay inakoo og sidaynu markii horeba ka yeelanay uguna darno duco badan”
Maryan adeerkeed Axmed marki horeba guurkii Maryan ee hore kamuu raali ahayn waxaanu ahaa mid la dhagaysan wayay gartisii lakiin manta fursad u haysta in tiisa la raaco mudo yar gudaheedna waxa laysku raacay hadalkisii oo aan wax dood ah laga kenin.
Malintii isniintii marki la gadhay ayaa laysugu yimid huteelkii balantu ahayd markiibna layswada salamay laawda fadhiisatay ayuu maryan adeerkeed ka kacay goobtii bixinta isagoo hadlayana waxa uu yidhi, “Marka hore in taan waxba laysa siin aynu is cafino oo aan isa saamaxno madama aynu noqonayno laba reer oo xidid ah
Sidii ayaa layeelay oo waa laysawada gacan qaday Maryan abaheed iyo Mustafena waxay is gacan qadeeen iyakoo ay iskugu danbaysay malintuu gurigooda ugu hanjabay lakiin aad markan modid inay isku yihiin wiil iyo aabo is dhalay
Kadib waxa hadalkii ku noqday Adeero Axmed oo yidhi
“Maanta waxaanu idin siinaynaa inantayada Maryan iyadoon inanka Mustafena la waydiinayn wax walba oo inan laga bixin jiray, waxaannu inanta ugu daraynaa duco badan iyo inay noqdaan labadii gurigoodu jiro ee ubad khayr qaba kala hela.” Markii uu intaas yidhi waxaa la soo xidhay xafladdii oo aanay dood badan oolin kadibna waxa loo diyaar garoobay arooskii Maryan iyo Mustafe, waxaanay aqal galeen habeen Jimce ah. Waxay wadaageen jacayl iyo nolol aan nooceda hore loo arag. Waxay ka midho dhaliyeen jacayl ay sannado badan soo jilayeen, noloshu raaxo badanaa, macaanaa, wanaagsanaa, kalgacayl badanaa, marka raalida laysku yahay, qurux iyo wanaag badanaa marka wax walba la wadaagayo.
Mustafe iyo Maryan maanta waxay dagan yihiin magaalada Hargeysa iyagoo isku leh laba wiil iyo gabadh.