Haddaan Waayey

Sidaan meelo badan ku aragnay ama ku arki doonno, waxaa jira gabayo badan oo Sayidku mariyey oo dhowr tuduc laga helay oo meel laga doono ama laga haybiyana la waayey. Inta laga hayo qaarkood waxay ku tusayaan in ay qaayo lahaayeen. Gabaygan soo socda ayaa ka mid ah kuwa lumay, wuxuuna Sayidku yiri:

Haddaan waayay calan lay nashiro, tan iyo Nayroobi
Miyaan waayay naamuus janniyo, daalac iyo naasil
Haddaan waayay Ciiddoo1, naqliga inaan Nugaal daaqo
Miyaan waayay neefaan xarbada, naallo ugu fuulo
Haddaan waayo ruux iga naxoo, ii nasabad sheegta
Miyaan waayay naxariis Alliyo, Nebiga jaahiisii…


1. Ciid: Waa dhulka ciidda guduudan ee oomanaha u badan.

7 thoughts on “Haddaan Waayey

  1. ereyga ‘ciidoo’ oo ku jira beydka saddexaad waa in xarafka ‘d’ la labanlaabaa, waxana sax ah ‘ciiddoo’.

    mahadsanidin

  2. Dadnimo iyo gobanimo waxaasaa la yiraahdaa, han gobeed waa kaas
    hadaan waayay calan lay nashiro tan iyo Nayroobi
    maantay ragga joogah damacoodu waa Gaalkacayo oo labba qaybood ah

    iyo ragga ku xerooday qolbadda yar oo Burca iyo Hargeysa

    nasiibdaro

  3. hadaan waayey ciidoo naqliyoo, nugaal inaan daaqo
    miyaan waayey neefaan xarbada naallo ugu fuulo

    1. Neef aan xarbada naalo ugu fuulo.
      Xarbo.
      Naalo.
      Micno ahaan iisoo sheegta fadlan…

Leave a Reply to Sheeka Riir Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *