Tebiya oo Geeya

Xarunta Daraawiishta oo ku taal dooxada la yiraahdo Cadadheero, geeli iyo xoolihiina Nugaal gudaheeda fadhiyaan oo ay Daraawiishina ku xeeran tahay ayaa col xooladdoon ah Bile Samatar Cismaanna madax u yahay, kana soo duulay Bari iyo boqor Cismaan soo kor fariisteen. Dabadeed niman korjooge ahaa oo Daraawiisha ayaa colkii arkay, markiisna ka soo digey. Subixii dambe Daraawiish oo ciidansatay iyo colkii oo weerar ah ayaa is helay, halkaas waxaa lagu wiiqay ciidankii Bile, isagiina waa la qabtay. Sayidku gabay gaaban oo uu arrintaas ka mariyey, wuxuuna ku yiri:

Inaan Bile1 tagoogaha ka xiray, tebiya oo geeya

Inuu xaarka taallada ka dhigay, tebiya oo geeya

Inaad gaalo taag daran tihiin, tebiya oo geeya

Labamaarre2 inuu tiirsan yahay, tebiya oo geeya

Shanle-Dheere3 inuusan wax tarayn, tebiya oo geeya

Cabdirixiin inuusan tol helin, tebiya oo geeya

Daraawiishi inaysan turayn, tebiya oo geeya

In Astaadku tiir dhaaban yahay, tebiya oo geeya

*Wuxuu ahaa bawsi.

1. Bile: Bile Samatar Cismaan lama dilin waase al xiray.

2. Labamaarre: Waa buntuq yeer weyn oo Daraawiishi aad u haystay.

3. Shanla-Dheere: Waa buntuq shan xabbadoole ah oo Talyaanigu boqor Cismaan hadiyad ugu keenay si uu Daraawiish isaga celiyo.

6 thoughts on “Tebiya oo Geeya

  1. Gabaygan reerka Cabdiraxiim la yiraah ayuu Sayidku u tiriyey ka dib dagaalkii dhexmaray reerkaas iyo Daraawiish, ninka Bile ee lagu sheegay gabayga reer abti ayey u ahayeen inan la yaalna wuu ahaa boqorkana ilma adeer ayey ahaayeen. Marka taariikhda yaan la qaldin dadbaa jecel inay wax kasta isku qoraan. Wax walbana waa la wada og yahay ee sidaas hala ogaado.

  2. magacaygu waa Cabdixakiim Axmed, waxaan kunoolahay Somaliland caasimada Hargaysa. Waxaan hambalyo udirayaa bahda maktabadda af-Soomaaliga sida quruxda badan ee ay noogu soo diyaariyeen gabayada Sayidka Allaah how naxariistee, aad ayaan ujecelahay inaan aqristo. Waad mahadsantihiin dhamaan shaqaalaha website-kan

  3. Gabaygaan waxaa loo tiriyey reerka la dhaho Cabdiraxiim Ibraahim oo markaas ugu badnaa ciidanka boqorka. Bile reer abti ayay u ahaayeen wuxuuna ahaa inan la yaal ciidankana isagaa watay.

Leave a Reply to Mohamed Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *