Maxkamaddaan Ku Diirsadaye

Gabaygaan gaaban waxa uu gabyaagu ugu tala galay in uu ku muujiyo taageerada uu u hayo maxkamad Islaami ah oo ka mid ahayd maxaakiimtii ay samayn jireen qabaa’ilka qaarkood gaar ahaan maxkamadda ay hormuud u ahaayeen beesha Saleebaan ee Habar-Gidir, taasoo ka jirtay magaalada Muqdisho lana sameeyey horraantii sannadkii 1998kii. Waxaan gabaygaan ka soo guuriyey wargayska Ayaamaha ee ka soo baxa magaalada Muqdisho bogga 4aad soona baxay Axad 21ka Juun 1998kii, wuxuuna ka bilowday sidatan:

Da’dii iga yareyday maxkamaddaan ku diirsadaye
Dulmi diidna waan kugu aqiin Daa’in abidkaaye
Halkaan laga dawoobayni waa damaca keygaaye
Degaan iyo dhalyaba waxaynu nahay duul allays badaye
Dulmi diidka iyo damacu waa dab iyo baasiine
Meeshay ka biyo daysay baan idin dareensiine
Dadka iskuma nebcine damaci baad diidey leedahaye
Markaasaan dacaayad iyo cay kugu daweeyaaye
Meeshay ka biyo daysay waan idin dareensiiyey
Ninkii dow kaleeto u hayaa ha ina deeqsiiyo
Oo deelaydu waa furan tahaye gabay ha soo duubo
Docda kalena duul wada dhashay hadal madaayaane
Doqonnimo Sulaymaan maxkamad looga dumin maayo
Dadkuna ways yaqaaniin tan iyo duudi nabi Aadam
Xagga deeqda kuma fiicnidiin dirirta mooyaane
Dar Ilaahay wixii loo baxshaa dib ugu aaydaaye
Maxkamaddaasiyey nooga dumin diiday shilinkayga
Diiwaanka aakhiro ku shuba dunida yeelkeede
Durba waxay ku naaxdaayi waa dagada maalkiina
Duntiinaa wanaagsane ayida diinta nuxurkeeda
Ducaan idinku taageerayaa Daa’in abidkeeye
Doc kaleey ku lumi xoolahaad diid is leedahaye
Dagaalada ahligaa wixii ku baxay tani ka doorroone
Dadweynihiyo shacabkaa amniga doonayoo raba e
Duf ku baxa wixii diiddanoow diinta Nabigeena!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *