Monthly Archives: April 2014

Nin Aqdaamo Ferenji Ah

Xaashidii musuqmaasuqa ahayd oo layiri waxaa soo diray Shiikh Maxamad Saalax oo Daraawiish lagu cambaareynayey mar la keenay xaruntii oo taal Ilig dadkii oo dhanna loo akhriyey, su’aal Sayidka laga weydiiyey oo la yiri maxaynu ka niraahnaa? Wuxuu yiri:

Nin aqdaamo ferenjiya maantiyo abuurriin
Ama aaladduu sida ama awrtabuu rara
Ama ariga buu qala ama laba ugaarsada
Ama uba ilaalaa ama uurka kala jira
Ashahaado beeniyo islaannimo ha lagu dhaqo
Ilaahayna nama oron anna ma oggolaan karo!

 


 

*Waxaan ka qoray Cabdi Warsame.

Ragga Ayl U Kacahayow

Waxaa la wariyey in guyaashii Daraawiishi fadhiday Ayl iyo Ilig, xaruntuna Galigaalle ka waabnayd. Darwiish la oron jiray AwJaamac, ragga daarta Daawad hayana ka tirsanaa, wiil uu dhalayna uu Daraawiishta u hagaajiyo banaatiikhda ka xumaata, bantukhuu hagaajiyana inuu qaalin geel ah ka qaato Sayid Maxamed u xukumay, AwJaamacna xoolaha dhaqaaleeyo, Sayidkuna ari fiican siiyay, ayaa laba halo o gabay ah tiriyey oo wuxuu yiri:

Astaadkiyo Ismaaciilba waa ururin doonaane
Arsuqeyga Eebbaa hayee adarka ii buuxi.

Ka dib waxaa lagu xujeeyey inuu arigii wada qashay oo damacsan yahay inuu Daraawiish ka tago. Dabadeed Sayid Maxamed baa gabaygaan u mariyey oo wuxuu yiri:

Ragga Ayl u kacaayow farriin aada iga geeya
Aw-Jaamac dhaha aakhiriyo Eebbe ha ilaawin
Nabsigaan ayaan soo dhaxayn adigu ha u yeeran

Uquubiyo inkaar aadan qabin abid ha soo jiidan
Nin ikhwaanahoo kula arrimin maqal akhbaartiisa
Halkii kuu ekaad adigu tahay anafo ha u yeelin

Arrinkaad waddaa waa hunguri ababadiisiiyee
Uurkaaga uun dhereg la doon waa Allow sahale
U adkayso gaajada wadaad aaqilaad tahaye

Arigaaga dhaqo cayri waa taad abuur garane
Adarka ha ku ridin xoolahaad ku amranaydeenee
Adduunyada ku tacab maanta waa aakhiruu sebene

Astaadkiyo Ismaaciil wax ku ururin maayaane
Arsuqaaga Eebbaa hayee axanka ha isdhaafin.

 


 

*Waxaan ka qoray Aadan Cawl.

Xuseenow Aqoon Xume

(Jawaab)

Sayidku gabayga hore markuu maqlay usagoo dhurwaagu u doodaya wuxuu yiri:

Xuseennow aqoon xume, erey baan leeyahaye
Awal hore haddaad tiri, Eebbaa adduunka leh
Eeggana maxaw tiri, annagaa aryowga leh
Inaad laba aflaysaa, ma ansixi karaysaa
Ma Alloo kalaad tahay, mise waa ka adagtahay
War maadaa ardaalyahow, arsuqeyga celin kara
Adba waa uu ku uumaye, maanaan abuurrayn
Mase aniyo adigaa, Eebbe weyne kala xiga
Ayaantaan afura helo, maxaad uga umleysaa
Illey waa Ibraahim, aaqiba ku diinkiis
Mase waa Ogaadeen, aflagaaddadiisii
Mase waa Iljeex1 iyo, umuurtuu ku kici jiray
Gaaciyoo aboodiya, ma aabaan ka leeyahay
Haddii uu islaam yahay, Ingiriis ma aadeen
Oo inamadiisii agoon, uguma taliyeen
Cumar waa abootee, miyuu ii olmomayaa
Joofeyga odaygaan, miyuu orod holaayaa
Cabdul eeba koley tahay, miyuu aalad leeyahay
Inta kaloo aad sheegtana, waa ooryo naaga ah
Adigana urruufyahow, anigaaba kaa adag
Aawiyo Majeerteen, waa ina adeerkay
Tan iyo aamanuudii, Ilig2 baan fadhiyi jiray
Abtirsiinyahayguna, waa reer Ugaadh Cumar
Adiguna adoogaa, Uubataaluu3 lahaan jiray
Haddaad aamin doon tahay, orod aayar iga guur
Haddii kale ha ooyine, adkaysaan ku leeyahay.

 


 

  1. Il-Jeex: Xuseen Yuusuf Xirsi Dalal, wuxuu ka mid ahaa raggii abaabulay shirqoolkii Gurdumi.
  2. Ilig: Waa gacan Badweynta Hindiya gala oo Ayl ku yaal, wuxuuna ku caan yahay “Ilig-Daldala”.
  3. Uubataale: Waa ceel ka mid ah toddobada ceel ee Daallo loo yaqaan.

Dhurwaa Ariga Eebbaa Leh

Jeerkii xarunta Daraawiishtu deggenayd Ayl iyo Ilig meel bannaan ah oo la yiraahdo Galingaale ayaa dhawr gabdhood waxaa loo dhiibay ari tiro badan oo la damacsanaa in loo qeybsho niman madax Daraawiisheed ah. Dhurwaa horor ah ayaa gabdhihii mare iyo maakhad arigii uga waayeen. Gabadhii gabdhaha ariga ilaaliya madaxda u ahayd baa Xuseen Dhiqle oo raga Dariiqada ka taliya ka mid ahaa u timid markaasay ku tiri “Arigii waraabaannu uga taag la’nahay ee intaanu dhamayn miyaanay habboonayn in si uun loogu taliyo?” xuseen isagoo ujeedadiisa weyni tahay in hadalkaasu faafo si wax looga qabto ayuu ku yiri gabadhii, “Dhurwaaga waxaad ku tiraahdaa:

Dhurwaa ariga Eebbaa leh
Eebbiyo Astaakaa leh1
Oo niman dableeyaa leh
Oo niman ku dili baa leh
Waa niman Daraawiisha
Gaaciyemataan2 baa leh
Geeraarshihii3 baa leh
Laba ilmo-Garaadbaa4 leh
Cabduloo Suldaanaa5 leh
Carab6 galacyo dheer baa leh
Cumar dabagabooyaa7 leh
Joofeey Jiriidh8 baa leh
Inantii caddeyd ba leh
Cawraladabey baa leh
Suubbanaan9 samreyn baa leh
Samawadoo ka daran baa leh
Yaan gamas laguu qarine
Gablamoow iskaga leexo!

Waxaan ka qoray Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon.

1. Astaadku: Waa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ama Sayid Maxamad Saalax oo Dariiqada Saalixiya madax u ahaa, Sayid Maxamad Cabdulle Xasanna shiikhiisa ahaa.

2. Gaaciye-Mataan: Gaaciye-Mataan Faarax wuxuu ahaa farsama dhaarigii Daraawiishta.

3. Xuseen: Xuseen Faarax “Dhiqle”, waa ninkii gabayga Sayidka naawili jiray, waxaa lagu tilmaamay nin fahmo badan, Sayidkuna isaguu ku hal qabsan jiray. Wuxuu ku dhintay Gindhir 1923.

4. Labo ilmo-Garaad: Ilmo Garaad Cali.

5. Cabdul: Cabdul Suldaan Cilmi Xaaseey. Waxaa dilay Ingiriis, waxaana lagu dilay Ceeldheer 1919.

6. Carab: Waxaa loo maleynayaa Carab Maxamad Ciise.

7. Cumar Dabagabooye: Kuray aan weyneyn oo Dariiqada joogay buu ahaa ee gabayga uun baa iska qabsaday.

8. Joofey: Waa Darwiish la oron jirey Joofey Cali Jiriir.

9. Suubban: Waxay ahayd Joofeey Cali Jiriir afadiisii.

Xuseenow Caqligu Kaama Baxo

Afbakayle

Dagaallo badan baa Ingiriiska iyo Daraawiishta dhex maray. Ingiriiska wuxuu doonayay inaan dhaqdhaqaaqa Daraawiisheed dhulka ku fidin, Daraawiishina waxay doonaysay inaan Ingiriisku dhulka ku xididaysan. Labada dhinacba si daran baa dagaalkii loogu hoobtay. Dadkiina wuxuu u kala miirmay: Nin Ingiriiska la jira oo moodaya inuu dan u yahay, iyo nin Darwiish noqday oo jihaad u guntaday iyo nin duunyadiisa dhaqanaya oo aan duniba bar ka ogayn.

Arrintii oo sidaas ah ayaa Ingiriisku niman Soomaali ah Sayidka ergo ugu diray. Nimankaasi ujeeddadoodu waxay ahayd inay Sayidka kula doodaan inay yihiin dad Islaam ah oo dadkooda in la laayo iyo duunyadooda in la dhacana aanay bannaanayn. Isagana waxay la ahayd, mar hadday aqdaaamo ferenji yihiin, inaanay diintu nabad gelinayn, markaa Sayidku isagoo ka warramaaya dhibihii loo geystay, tilmaamayana goobihii laysku helay, caddaynayana doodda nimankaasu u keeneen wuxuu ka qabo, ayuu gabaygaan tiriyey. Waxaanu ku tirshey Ayl ama Ilig 1905 sida lagu wado.

Xuseenow1 caqligu kaama baxo, idam Ilaahaye
Ha laguu aqbalo duca san baan, kuu akhriyaaye
Ifkana waaya noo joog, nimaan aaminaad tahaye

Haddaad umaaddo waan kuu hubaa, ina uduu kheyre
Asaxaabihii baad u tegi, udugga weynaayee
Irdihii jannada inaad ka geli, waa ogsoonahaye

Hawl kalana waa erey yaraan, kuu erganayaaye
Alla igama qaadow adaan, kala illaawayne
Eedaanka maqal waa salaad, loo addimayaaye

Ilaahi abuurba kuwii diiday amarkiisa
Ambiyaalihii iyo kuwii, awliyada caayay
Asxaabti dariiqada kuwii, awlaxa u qaaday

Ikhyaarkooda nimankii kufriga, uga adeegaayey
Aan lagu igraahine kalgacal, ugu abraaraayey
Kuwii ubad Nasaaraad noqdee, Ferenji aanaysatay

Nimankii Amxaara u kacee, Adarinuu guurey
Oo Aw-Cabbaas2 diley, dadkaan eedi kala gaarin
Oo uunka kala fiijiyee, kala irdheysiiyey

Nimankii Amxaara u kacee, Adarinuu guurey
Oo Mililikh3 aabbe u yehee, u arrin qaadaayo
Oo Xabashi eegi u noqdee, u ololaynaayey

Ingiriiska nimankii wadee, nagu aseebaayey
Afbakayle4 nimankii wadee, nagu aseebaayey
Ee Oodagooyiyo5 na dhigay, aydii Daratoole6

Nimankii ikhwaankii jaree, aabiga u laayey
Ragga ehelu-kheyrkaa warmaha, kala ajoon waayey
Oo umal daraaddiis girliga, ugu afuufaayey

Idilkoodba nimankii dagaal, iigu imaanaayey
Nimankaan inkaaree madfaca, ololi ii haysatey
Ee ubaxcaddaydii hartiga, oofta kaga joojay

Nimankii iniinaha ka dhigay, Ilig7 wixii joogay
Ee Eerago8 iyo Batalo9, igu uquumeeyey
Ee omoska Beerdhiga10 tukaha, igu ormaysiiyey

Nimankii ayaantii Gumburo11, oboda ii dhiibay
Ardaashii Jidbaalle12 i heshee, igu unuun goysay
Nimankii uluuf iyo uluuf, igu agoomeeyey

Nimankii adduunkeygii dhacay, ariyo geeliiba
Anigoo islaamaba kuwii, ii arxami waayay
Nimankaan Ilaahoow lahaa, eyda iga doono

Abaalkayga nimankii ba’shee, ii istixayn waayey
Ahabtiyo ergeyntii kuwii, lagala ayn waayey
Nimankii ijaabada ka tagay, aakhiru sabanka

Nimankii iblays nagu diray, naga ajoon waayey
Nimankii arlada Eebbahay, naga ugaareeyey
Nimankii awaaraha buska leh, nagu eryoonaayay

Ninkii abaartii caleed, Bari na aadsiiyay
Argalkiyo rasaastii kuwii, nagu igbaaraayay
Ee urugadaan qabiyo ciil, igu abaadsiiyey

Nimankii ilmada iga qubee, oohin iga keenay
Nimankaan ku alaladay markii, uunku wada jiifay
Nimankii ujuurada cunee, iibkii ii bixiyey

Nimankii intaas nagu falaan, na asaraareynin
Waxba yey addoomaha Ilaah, nooga aargudine
Waxba yaan adduun layga siin, ilintidaydiiyee

Utuntayda waa heli haddaan, iilka lay dhigine
Araraha intaan marahayey, igu arkaayaane
Maruun baan sidii aar libaax, oodda soo jebinne

Ashtakooda’aa iyo warqado, ku andacoodaaba
Mar haddaan shareecadu aqoon, nimanka liddoora
Ashahaadadoodiyo ma rabo, ina wallayntooda

Mar haddaan wadaad aayad diin, ila ekeyneynin
Amaan aniga la i oran karayn, tanu ahaan mayso
Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubaysta.

Waxaan ka soo guuriyey Cabdi Cali Guuleed oo loo yiqiin Cabdi-Yaar 1955kii, hase ahaatee markii dambe waxaan helay gabayga oo xaruntii lagu qoray. Waxayna isku ujeeddo yihiin gabayga 4aad.

1. Xuseen: Xuseen Dhiqle, waa ninkii gabayga Sayidka naawili jiray, waxaana lagu tilmaamay nin fahmo badan, Sayidkuna isaguu ku hal qabsan jirey. Wuxuu ku dhintay Gindhir 1923kii.

2. Aw-Cabbaas Aw-Xuseen Muuse: Wuxuu ka mid ahaa kooxdii Sayid Maxamed Maka u raacday. Kaddibna Daraawiish buu noqday waxaana lagu dilay shirqoolkii Gurdumi.

3. Waa boqorkii xabashida u talin jiray 1868 – 1913.

4. Af-Bakayle: Waa goobtii ugu horreysay ee Ingiriis iyo Daraawiishi ku dagaalameen 1901dii. Goobtani waxay ka dhacday meel Laascaanood 40 mayl dhinaca galbeed ka xigta.

5. Oodgooye: Waa dooxo magaalada Laascaanood ka hooseysa. Waxaa ka dhacay dagaal Ingiriis iyo Daraawiish dhex mary 1901.

6. Daratoole: Waa balli can ah oo ka mid ah toddobada balli ee Haraxagarrey.

7. Ilig: (a) Ilig-daldala waa gacan badda gala oo Ayl 60 mayl dhinaca koonfur-galbeed ka xiga. Daraawiish baa qalcad dagaal ka dhisatay 1905. (b) Balli ka mid ah ballida loo yaqaan Haraxagarrey.

8. Eerego: Waa tog weyn oo hawd ka soo rogmada oo ku soo biyo shuba Mudug.

9. Batalo: Waa balli toga Eerago bartamihiisa ku yaal.

10. Beerdhiga: Waa goobtii saddexaad ee goobihii waaweynaa ee Ingiriis iyo Daraawiishta dhex maray. Waxay ka dhacday Xodayo 1902.

11. Gumburo: Waa buuro 44 mayl Wardheer xagga bari ka xiga. Waxaa ka dhacay dagaalkii Cagaar-Weyne 1903dii.

12. Jidbaalle: Waa goobtii shanaad ee Daraawiish iyo Ingiriis dhex martay, waxayna dhacday 1904, waxay ka dhacday dhooddida Nugaaleed bartameheeda meel Laascaanood waqooyiga ka xigta.

Afeef

Hadddaad aragtaan gabay siduu ahaa aan loo qorin ama ujeeddadiisu siday ahayd aan loo werin, eexo nagama aha, ee aqoon baa sidaa noqotay. Horayna waxaa loo yiri: “Eebbow eexana ha nagaga tegin, aqoondarrina ha nagu cadaabin”. Inaad hagaajisaanna waa idiin furan tahay.

Waxaannu gabayada u soo qornay sidii aannu Daraawiishkii uga maqallay. Kamana tegin tuduc gabay ah oo Sayid Maxamed mariyey, maxaa yeelay, waxaannu u danaynay murtida, taariikhda Soomaalida iyo nolosheeda ee uma danaynayn qof aan dunida maanta ku noolayn oo gabayga lagu xusay.

Hase ahaatee waxaa jira dhawr gabay oo buuggan laga reebay iyo dhawr tuduc oo gabayada qaarkood laga saaray, lana filayo inay buugga danbe ku soo baxaan.

Sidaas iyo akhris wanaagsan.

Sheekh Jaamac Cumar Ciise

Xamar, 30.12.1973

Fiiro Gaar Ah

Waa inaan loo maleyn in gabayadii Sayidku mariyey halkan ku idil yihiin. Waxaa jira kuwo badan oo magacyadoodi iyo ulajeeddadoodiiba la hayo oo aan wax yaqaan la helin, welina la baadi doonayo iyo kuwa lumay.

Waxaa jira gabayo badan oo dhowr tuduc laga helay, meel laga doonana aan la ogayn. Sida loo malaynaayana dadkii qabtay ama yiqiin adduunka way ka tageen. Sidaas daraaddeed waxaad buuggan ku arki doontaan gabayo aan dhammayn. Haddaba, iskuma ladin oo meel aan u raacno ayaannu garan weynay. Sidaa daraaddeed baadi doon baa furan.

Habka Buuggu U Qoran Yahay

Waxaa la og yahay in gabayga Soomaalidu xaraf xarfaha alifka ka mid ah lagu tiriyo, hadduu ka leexdana deelqaaf yahay ama xeerkii gabayga ka baxaayo, hanaankiisu xumaanayo. Haddaba, buugga waxaan u qorray alifka Soomaaligu siduu isu xigo. A-da iyo 21ka shibbane Sayid Maxamed waa ku gabyey. Kh-da iyo Y-dase ma helin mana maqal, waxaase laga yaabaa inuu ku gabyey oo ay lumeen.

Gabayada Diiwaankan ku qorani waxay ka kooban yihiin 120 gabay oo Sayid Maxamed mariyey iyo 16 gabay oo ay rag kale mariyeen, laakiin gabayada Sayidka xiriir la leh.

Waxaannu ku dadaalnay inaannu wixii noo suuragalay oo magac dal, dad ama duunyo ahaa laqbayno ama tilmaan gaaban ka bixinno.

Gumeysiga iyo Taariikhdii Daraawiisheed

Daraawiish markay jabtay, Sayid Maxamedna geeriyooday gumaysigu wuxuu ku dadaalay inuu raadkoodii baabbi’iyo si aan loogu dayan, taariikhdoodiina looga sheekeysan. Dabadeedna wuxuu fidiyey taariikh aan raad lahayn iyo dacaayad been ah iyo xuma-ka-sheeg si aan tii oo kale waa dambe u dhicin. Wixii kutub, buugaag, gabay ama waraaq ahaana waa gubay si aan wax raad ah Daraawiish looga arag.

Waxay duni hadba heer ahaataba, waxay talo hadba geed harsataaba, afar iyo soddon gu’ iyadoo laga soo wareegay geeridii Sayid Maxamed ayaa anigiyo naftaydu ku heshiinnay inaan taariikhdii Daraawiisheed guud ahaan baadi goobo, wixii maanso ahaana gaar ahaan u raadiyo. Abbaaraha muddo sanad ah markaan wadey ayaa waxaa iga hor yimid labo dhibaato oo culculus:

  1. Tan hore nimankii Daraawiish ka noolaa oo gabayadii inay hayaan lagu malaynaayey dhammaantood waxay noqdeen reer miyi saraardaaq ah oo magaalooyinka ka dheer.
  2. Tan labaad waxay noqdeen niman haaliyoobay oo fiig ah oo si ay kuugu gole-fariistaan adag tahay, inay wax kuu sheegaan daaye!

Dabadeed waxaa lagama maarmaan noqday laba hal:

  1. Inaan helo xoolo aan ku meel maro.
  2. Inaan barto xeerka Dariiqda Saalixiya.

a)      In kastoo dhawr jeer aan ka hakaday lexajeclo daraaddeed, talo waxay iigaga ibabeeshay inaan iibiyo shan geela oo lacagtaan ka helo gabaygaas baadidoonkiisa iyo baaristiisa jicsin iyo baadifad uga dhigto. Ilaah mahaddii weeyaane, taasi waa ii meel martay.

b)      Waxaan u xeraystay koox wadaadda ah oo Saalixiya ah si aan u barto xeerka iyo xeeladda Dariiqada Saalixiya, iyana waa ii meel martay.

1955kii ayaa guntiga labada law geeyay, kitaabkana gacanta midig gashaday. Nugaal labadeeda daanna gees walba u qaaday, gugii dambena Hawd iyo Ciid baan wareegayey.

1959kii ayaan taabay taariikhdii Daraawiisheed inteedi badnayd, gaar ahaan gabaygii iyo goobihii dagaalada xumi ka dhaceen iyo gurigii Dariiqo wixii ka dhacay xumaan iyo samaan mid kastaba ha ahaatee. Waxaas oo idil waxay ku qorraayeen far carabi ah. Waxaan sugayey oo maskaxda ku hayey gooray noqotaba far Soomaali inay soo bixi doonto.

1971kii ayaa la unkay guddi afka Soomaaliga ka shaqeeya. Markaasna waxaa ii muuqday inay lagama maarmaan tahay in gabayadii la habeeyo oo laysu duwo, taasuna waxay u baahatay taageero la helo, maxaa yeelay waa hawl weyn.

1972kii bishii Jannaayo 4teedii, ayaan Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ku heshiinnay inaan u yeeriyo isna gacanta ku qoro gabayadii Ina-Cabdulle Xasan oo awal carabiga ku qornaa. Hawshaasi waxay nagu qaadatay laba sano oo gaw ah iyo afar bilood.

Gabayada buuggan ku qoran waxaa la ururshay 1954kii-1974kii, waxaana laga qoray niman Daraawiish ahaa oo marki la marinaayey Xaruntii joogay, in kastoo maanta rag yari ka nool yahay. Raggaas magacyadoodii, meeshi aan kula kulmay iyo taariikhdii aan is-aragnayba waa sida hoos ku qoran:

                Magaca                                Meeshii            Taariikhdii

  1. Cabdi-Yaar Cali Guuleed              Buuhoodle          1955kii & 58kii
  2. Maxamuud Cilmi Faarax                Buuhoodle          1955kii & 58kii
  3. Xaaji Maxamed Cawl                     Buuhoodle          1955kii & 58kii
  4. Xaaji Aaden Cawad                      Buuhoodle          1957kii
  5. Garaad Soofe Durraan                  Buuhoodle          1957kii
  6. Gallaydh Cabdi Ismaaciil               Buuhoodle          1957kii
  7. Maxamuud Xoosh Dheere              Buuhoodle          1971kii & 73kii
  8. Saliid Baynax Aaden                     Marqaan-Weyne  1955kii
  9. Xaaji Jaamac Ismaaciil DhoonLaascaanood       1957kii & 58kii
  10. Faarax Baqardhe                         Laascaanood       1957kii & 58kii
  11. Xaaji Maxamed Biixi Boos             Laascaanood       1957kii & 58kii
  12. Aw-Cabdille Ibraahim                   Boocame            1956kii & 73kii
  13. Xaaji Axmed Aaden Surgo’            Boocame            1956kii & 73kii
  14. Cali Darmaan Garaase                  Taleex               1956kii & 73kii
  15. Warsame-Geeldabar Ciise             Taleex               1956kii & 73kii
  16. Ciise-Fikad Faarax                      Qardho              1956kii & 73kii
  17. Xaaji Cabdiraxmaan S. Max’ed       Muqdisho           1959kii
  18. Xareed Duubi Deero                     Muqdisho           1963kii
  19. Xuseen-Aabi Cilmi Xaasey            Muqdisho           1964kii & 73kii
  20. Caasha Sheekh Cabdille                Muqdisho           1972kii
  21. Abokor Seed Cali                 Muqdisho           1972kii & 73kii
  22. Aaden Aw-Yuusuf Dhacdhaco        Muqdisho           1973kii
  23. Aaden Cawl Jaamac                      Ayl                    1973kii
  24. Soofe Cali Buraale                       Muq & Hargeysa  1965kii & 73kii
  25. Maxamed Nuur Cali                      Iskushuban1964kii

Raggaas waxna waa geeriyoodeen, waxna god qarkiis ayay saaran yihiin. Badankooduna Daraawiish bay ahaayeen xaruntii bayna ku dhasheen, kuna koreen, dagaalladii goobjoog bay u ahaayeen.

Waxaad gabayada qaarkood ku arki doontaa cay foolxun, hase yeeshee murti iyo taariikh ah. Caydaa waaxid iyo wadar mid kasta ha loola jeedee, maxaa keenay? Jawaabtu waxay tahay laba arrimood:

Tan hore Sayid Maxamed wuxuu rumeysnaa Daraawiishna baray Muslinka iyo gaalada dal iyo diin, dad iyo duunyo, mid kastaba ha ahaatee wax xiriir ah oo ka dhexeyn kara inayan jirin. Sidaa darteed wuxuu Sayid Maxamed Daraawiish ugu guddoomiyey ninkii gumaysiga la dersa ama la daawa leh taageera in la caayo oo la cambaareeyo, bal inuu ceebayntaa wax ku qaato ama dadka xaggiisa ka cadhoobo.

Tan labaad rag colloobay, cay, aflagaaddo iyo hadal xun oo la isu diraa waa lama huraan. Haddaynnuse gabayadii Soomaalidii hore isu marin jirtay gaar ahaan u eegno ama ummadaha kale gabayadooda guud ahaan u eegno, waxaannu ka garanaynaa caydu inay murtida ka mid ahayd, tusaale ahaan waxaa u soo qaadan karnaa gabayada ay carabtu isu marin jirtay oo diiwaanno fara badan ka buuxa.

Dagaalkii Horreeyey

1900kii ayaa Ingiriisku col lixaad leh soo qalqaaliyey si loo damiyo dabka halkaas ka baxaaya intaanu dhulka ku fidin, haddaba xabbaddii maalintaa la riday waxay dhacaysay 20 gu’.

Inta la hubo ama taariikhdooda la hayo Daraawiish iyo Ingiriis waxay ku kulmeen 41 goobood. Goobihii ugu waaweynaa ama dagaalkii xumi ka dhacay waxaa ka mid ah kuwan:

Dagaalkii         Oo Dhacay

Afbakayle           03.05.1901

Fardhiddin          16.07.1901

Beerdhiga           10.08.1902

Cagaarweyne       17.04.1903

Daratoole           18.04.1903

Jidbaalle           10.01.1904

Ruuga               09.10.1913

Dayuuraddii            01.1919

Ingiriisku dagaallada wuxuu u qaybiyaa saddex duullaan oo mid waliba socday dhowr gu’, mid walibana lahaa tabo iyo xirribo gaar ah iyo xoolo loogu tala galay, inkastoo aan guul laga gaarin.

Dadka Soomaalida markay rumi run geyday wuxuu u kala jabay laba meelood. Dad gaalka raacay oo garab iyo gaashaan u noqday, iyo dad Daraawiish raacay oo jihaadkii la galy.

18 gu’ markii dagaalkii socday, habeen iyo dharaarna laysku aloollaa, labada geesoodna lagu hoobtay, dad iyo duunyana lagu cayroobay, Daraawiishina ku luga baxsatay buuraha Ceerigaabo iyo arladaas badyayrada Cadmeed u jeedda ayaa Ingiriiska arrini ku caddaatay. Dabadeed talo wuxuu ku goostay in Daraawiish dayuurado lagulo dagaallamo mooyaane aan si kale waxba lagaga qaban karin.

1919kii bishii Jannaayo ayaa Ingiriisku Daraawiishi kaga soo duulay cir iyo dhul, bad iyo berri intaba. Siddeed dayuuradood oo ugu horreeyay waxay duqeeyeen Mirashi, Jiidali iyo Baran, meelahaas oo Daraawiishtu qalcado ku lahayd. Ceeldheer meesha la yiraahdo ayaa lagu soo riday diyuurad siddeeddii dayuuradood oo ugu horreeyay ka mid ahayd, maalintii danbena Taleex bay ku duuleen inkastoo bamkii waxba ka tari waayay.

Daraawiish waxay la ahaatay mar haddii hub aanay haysan iyo dayuurado lagula dagaallamay inay Nugaal iyo agagaarkeeda ka guuraan oo u qaxaan dhinaca koonfur si ciidankooda meel uga soo wada jeesto, maxaa yeelay Daraawiish xoog leh ayaa fadhiday webi Shabeelle iyo agahiisa oo Khaliif Sheekh Cabdille madax u ahaa. Nin haray iyo nin itaal waayay mooyaane, Daraawiishi waxay isugu tagtay Qorra, Shinniile iyo Horushagax, halkaasaana Xaruntii degtay.

Rag talo kama dhamaato ciil horena waa qabeene, ciidan bay qalqaaliyeen si rogaal loogu celiyo. Iyadoo guuti lixaad leh laysu dumay, ambabaxna heegan loo yahay ayaa duumo, daacuun, fanto iyo furuq miduu ahaaba Eebbe Weyne tacluus ku fariisiyey. Raggii duullaanka u heeggannaa ama dagaalka geli lahaa waxay noqdeen in taal iyo tarabtarab u la’atay. Ingiriisku markuu taa ogaaday, guuto camaaryalay ah oo Soomaalidii raacsanayd u badan buu ku soo bixiyay. Iyadoo Daraawiishii tahay in le’atay iyo in jiifta iyo in aan itaalba hayn, ayaa colkaas galay, kaas oo qalqaaladiisa, hubkiisa, raashinkiisa iyo wareegadiisaba Ingiriisku lahaa. Waxaa Ingiriiska maammule uga ahaa Sir Archer Soomaaliduna u tiqiin Caarshe-Dheere. Hase ahaatee ciidanka Ingiriis u dagaallamayey wuxuu ahaa Soomaali soocan oo aan la tarraxin. Colkaasi dad wuxuu helayna waa laayay, duunya wuxuu helayna waa taabay.

Xooluhu helay waxaa ka mid ahaa geela la baxay “Hagoogane”. Wuxuu geelaasi magaca kula baxay: “ninkii geelaas ka saami galeyna kibir buu la hagoogtay, ninkii ka qadayna ciil buu la hagoogtay”.

Labaatankii gu’ ee dagaalku gumaysiga iyo Daraawiish ka dhex socday waxaa dhacay wax weyn, dad wixii la laayey ama haasahaasihii ku lumay iyo duunyo wixii la dhacay ama daar burburay ama degel rogmaday, gabbal dhacay iyo waa beryey wixii guuto gelibaxaysay iyo faras wixii weerar u taagnaa, qalinna laguma qori karo, afna loogama sheekayn karo, lamana qiyaasi karo. Aan soo qaadanno gabay yar oo wax ka tilmaamaya wixii meeshaas ka dhacay.

Waxaa la wariyey Ismaaciil Mire iyo wadaaygiisii Xaaji Maxamed Cawl inay reer ku soo hoydeen. Qof dumar ah oo reerka joogtay ayaa Ismaaciil maagtay oo waxay ku tiri: “Wiilashaydii adaa laayay, awrtaan ku guuri jirey iyo arigeeygiina idinkaa dhacay, wixii guuldarro i gaarayna idinkaa ii geystay”. Ismaaciil ayaa hadalkii islaanta ka xumaaday oo garaysan waayey, maxaa yeelay wuxuu rumaysnaa inuusan wixii Daraawiish iyo dad kale kala gaaray isagu uusan u qoolmi karin. Dabadeed, isagoo wixii dhacay lama wada sheegi karee, wax ka taabanaya, wadaygiisiina ku halqabsaday wuxuu yiri:

Gelin dhexe xalaan Maxamadow geyrtay oo kacaye
Gam’ina waayey hadalkay i tiri gacallow naagtiiye
Adigay gablay tiri markaad gaaska wadateene
Waxay tiri adaa igu gondolay garangartaan iile
Waxay tiri aday guri dhigoo ma lihi gadiide
Waxay tiri adaa gelengal tubay garayartaydiiye
Waxay tiri guyaalkii adaa gaajo ii dilaye
Waxay tiri gurboodkii adaa geesuhu dhigaye
Guhaaddeeda aan jirin balaan gabay ka soo qaado
Gumburo iyo Cagaarweyne iyo geedkii Daratoole
Goobtii Jidbaalle iyo Xargaga guuldarradii joogtay
Gembigii ka dhacay Ruuga iyo gudurigii haagay
Gabooddeeda Beerdhiga wixii la isku gooraamay
Meydkii gabraday seerigay Good ku tumanaysay
Gawarkaad maraysaba laftaad galayaxaa mooddo
Ogaadeenka gaanka ah wixii geydho laga qaaday
Iiddoor cayuun godan wixii gelin la weydaarshay
Shirshooraha gudbani cayr wuxuu gorof la meeraystay
Garcas iyo Majeerteen wixii guuyo laga dhaarshay
Gob ninkii ahaan jiray wuxuu gibil madoobaadey
Giddigiis naflaa’iga wixii gobolba meel aadey
Dayuuradaha gowliyo wixii samada guuraayey
Daarihii gelgelintaa noqdiyo gebiyadii ciiray
Wixii guuldarriyo hoog ka dhacay dunida guudkeeda
Gembigiyo jahaadkii arlada gaday wixii joogey
Gaaliyo Daraawiish wixii uunka kala gaarey
Kaligey ma wada geysannine la isku geeryooye
Geyigii rogmaday oo dhan baad guudka ii suriye
Waxbana hay gurreynine denbaad galabsanaysaaye
Gartaa maaha naag yahay inaad ii gilgilataaye
Gashi kaama qabo oo ma layn gabannadaadiiye
Gambana kaama furan baan u fili gulufaydeyiiye
Naa gefkiyo beenta daa yadan gelin godadkii naareede.

Firdhadkii Daraawiisheed iyo wixii ka harayna waxay galeen Qarrijiqood, ugu dambaystiina waxay tageen go’ane Iimey oo ku taal webiga Shabeelle xaggiisa sare. Meel ay Daraawiishi daar ka dhisto ama ay dab ka belbeliyaan waa meeshii ugu dambaysay. Sayid Maxamedna halkaasuu ku geeriyooday 1921kii.