Monthly Archives: April 2014

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

Sayid Maxamed wuxuu dhashay markay taariikhdu ahayd 1856kii gu’ga la baxay ama la oron jiray Gobaysane. Wuxuu ahaa gu’ barwaaqo ah oo dad iyo duunyo wixii dhashay hanaqaad noqdeen. Wuxuu Sayidku ku dhashay balliga la yiraahdo Sacmadeeqo oo 7 mayl u jira Buuhoodle, kana xiga dhanka waqooyi, guud ahaanna dalka waxaa loo yaqaan Nugaal. Hooyadii waxaa la oron jiray Carra Seed Magan, Quraankana wuxuu ku bartay gurigoodii. Cilmiga diinta wuxuu ka raacday xer fadhiyi jiray Nugaal xarunteeduna ahayd dooxada la yiraahdo Casuura iyo Yaaheel.

Abbaaraha 1892kii wuxuu u kacay Maka iyo Madiina, waxay is raaceen 13 wadaad oo ay isku xer ahaayeen. Laba gu’ iyo dheeraad bay Maka iyo Madiina ku maqnaayeen. 1895kii ayaa Sayid Maxamed ku soo noqday dhulka Soomaaliya, wuxuuna ka soo degay xeebta magaalada Berbera oo markaa Muslin iyo gaalba aad loo degganaa.

Waxaa la yiri markuu Sayid Maxamed doonniduu la socday ka soo degay ayaa Ingiriisku ku warsaday dekedda canshuur inuu bixiyo. Wuxuu ugu afceliyay: “Adiga yaa canshuurtii kaa qaaday markaad halkan ka soo degtay?” Dabadeedna afceliyihii baa ku yiri gaalkii: “Waa wadaad walan ee inaka daa!” Sidaas daraadeed waxaa Ingiriisku ku magacaabay Wadaadkii Waallaa.

Arar Guud

Afka Soomaalidu waa af ballaaran, erayadiisuna badan yihiin, dhan loo eegaba hadal iyo hawraar, maanso iyo maahmaah, gabay iyo geeraar, masafo iyo madaddaalo, hees iyo heello, sheeko iyo shararraaxin, qorriin iyo qun-u-hadal, gees loo dayaba waa af hodon ah, oo murti iyo macaan ka buuxaan, qoto dheeri iyo qaayana Eebbe weyne u yeelay, dadka ku hadlaana ku kalsoon yihiin, dantooda iyo waxay doonayaanna ku sheegan karaan. Eray walba oo erayadiisa ka mid ihi wuxuu leeyahay dhowr eray oo la mid ah ama la macno ah. Eray walba waxaa ka abuurma dhawr eray oo kale. Af Soomaaliga wuxuu ka mid yahay afafka looga hadlo Geeska Afrika, welina run ahaan looma oga afka uu la bah yahay. Waxayse leeyihiin nimanka afafka baaraa wuxuu ka mid yahay afafka reer Xaam, gaar ahaan “Kuush”. Xiriir dheerna wuxuu la leeyahay afka Gaallaha.

Inkastoo af Soomaaliga aan dhab loo baarin lama oga taariikhdii maansada la billaabay. Gaar ahaan gabayga, oday ma sheegin, wiilna aabbihii kama werin. Haddaba ninkii yiraahda: “Waagaas baa gabay la billaabay ama nin hebel baa billaabay ama ugu horreeyay,” been buu sheegay. Waxaa hubaal ah hadaynu dhab ugu fiirsanno dhismaha guud ee hadalka ama maansada xeerka loo mariyo ama habka iyo hannaanka gabaygu u dhisan yahay iyo sida qof waliba u yaqaan waddada loo maro ama sida deelqaafka iyo laaxinka looga ilaaliyo waxaad garan kartaa inuu af Soomaaligu fil weyn yahay oo taariikh dheer soo maray.

Guud ahaan af Soomaaligu wuxuu u kala baxaa hadal iyo murti:

  1. Hadal waa erayada qayaxan oo aan taxnayn, jiib iyo luuq midna aan lahayn, warkana laysugu tebiyo.
  2. Murtiyina waa erayo taxan oo jiib iyo luuq leh, deelqaaf iyo laaxinna aan lahayn, warkana laysugu tebiyo.

Murtidu waxay u kala baxdaa maanso iyo hees. Heesku wuxuu u kala baxaa laba qeybood: hees hawleed iyo hees cayaareed.

Hees hawleed waa heeska hawshu lagu qabto, hawshaasu hawl xoolaad ha ahaato ama hawl farsamo ha ahaatee.

Hees cayaareedna waa heeskii sacab ama jaanta loo tumo ama durbaan loo garaaco oo looga jeedo farax, maaweello, madaddaalo iwm.

Labadaas qaybood oo aanu soo sheegnay haddii la falanqeeyo mid waliba wuxuu noqonayaa bad aan xeeb lahayn iyo berri aan laga hoyan karin iyo biyo aan laga bixi karin.

Ujeeddadayadu ma aha inaanu heesaha halakan kaga sheekeyno, tusaale ma’ahe, hasa yeeshee, dulucdu waxay u dhacaysaa qaybta maansada iyo wixii la xiriira.

Haddaynu u dhabbagalno maansadu waxay u kala baxdaa toddoba qaybood oo kala duwan, kuwaas oo ah:

  1. Gabay
  2. Geeraar
  3. Masafo
  4. Jiifto
  5. Weglo
  6. Guuroow
  7. Buraanbur

Toddobadaas qaybood ee maansadu u kala baxdo waxaa calanka u sida gabayga. Siday isu xigaan bay u kala qaaya weyn yihiin. Soomaalidii hore ninka gabyaaga ah iyo gabayguba qaayo weyn iyo qiima badan bay la lahaayeen, dadka dhexdiisana xurmo iyo xarragay ku lahaayeen, xulquun iyo xoolana waa u oggolaayeen, maxaa wacay gabaygu wuxuu ka mid ahaa ciidanka iyo gaashaandhigga dadku ku tala galo. Aan ka soo qaadno iyadoo col la duulinaayo. Waxaa lagama maarmaan ahaan jiray in nin gabyaa ahi colka la socdo. Haddaba, haddii colkaasi soo guulaysto, geelna helo, ninka gabyaaga ah waxaa la siin jiray saami dheraad ah oo loo yaqaan hashii gabay.

Guud ahaan af Soomaaligu murtida iyo macaanka waa ka siman yahay, gabayguna waa ugu horreeyaa, waana ugu hana qaadsan yahay, waxaana la moodaa inuu kuwa kale ka qiimo weyn yahay. Dadka maansada tiriyaa, gaar ahaan gabayga waa kala hadallo waaweyn yihiin ama hillinka maansada iyo hogta gabayga waa kala heli og yihiin, danta iyo ujeeddada waa kala abbaari og yihiin. La arkee nin gabyaa ihi inuu meel ku fiican yahay meelna ku liito, meelahaas oo ay ka mid yihiin kuwakani:

  1. Ammaanta
  2. Cayda
  3. Faanka
  4. Digashada
  5. Diradiraha
  6. Calaacalka
  7. Guubaabada
  8. Waanada
  9. Kuhaanka
  10. Xikmadda

Waxaan horay u soo sheegnay maansadu inay u kala baxdo toddobo qaybood. Haddaba ha u malayn inay intaas ku kooban tahay. La arkee inay jiraan kuwa aannaan aqoon ama aannaan maqal. Waxaanan sheeko ku maqal shaahidna ku arag nin toddobadaas qaybood oo aan horay u soo sheegnay ku wada maansooday.

Sayid Maxamed baa ugu dhowaa oo wuxuu yiqiin shanta u horraysa, buugganna mid walba wax baa kaga jira, weglada ma ahee, inkastoo ayan is xigin. Halkaas waxaad ka garanaysaan in Sayid Maxamed ahaa nin aqoon dheer iyo aftahmo Eebbe hibo u siiyey. Wuxuu kaloo hanaqaad ku ahaa hilin kasta oo hilimada maansada loo qaado, ama ay ka ambabaxdo. Hadday ahaan lahayd guubaabada, ammaanta, cayda, calaacalka, faanka, digashada, diradiraha iyo xikmadda.

Ciidamadii Daraawiish ee Sayid Maxamed hoggaanka u hayey, ammaanduulahana u ahaa ee geyiga Soomaaliyeed gariirshey, gaalana u xiiray, dad iyo dhammina agtooda ka guuray 25kii gu’ ee u dhexeeyay 1896 – 1922kii wixii isu keenay ama hiyi kiciyey ama isku dubbariday waxaa u weeynaa maansadii gabbal dhacay iyo waa beryeyba la marinaayey. Haddaba aftahamadaa ballaaran iyo fasaaxaddaa la yaabka leh, ma cid buu Sayidku ka dhaxlay ama ka hiddo raacay? Mise waa hibo Eebbe siiyey? Waxaynu oron karnaa taasi waa baraakiin Rabbi beerka u geliyey, af Soomaaliga wuxuu kaga faseexad badnaa diinta Islaamka iyo afka Carabiga.

Markaa ka dib wuxuu billaabay waxbarid iyo diinta Islaamka fidinteeda, taasuna dhulkii waxay gelisay dhaqdhaqaaq cusub iyo bulaan. 1884kii ayaa Ingiriisku goostay inuu guumaysto dhulka Soomaalida. Dabadeedna waxaa yimid wadaaddo fidinaayo diinta Masiixiga. Haddaba Sayid Maxamed waxaa u muuqatay in dalkiina la qaatay, diinta Islaamkana la xididdo bixinaayo.

Sayid Maxamed wuxuu ku tashaday inuu taa ka dagaallamo wixii karaankiisa ahna tallaabo ka qaado. Wuxuu billaabay waano iyo wax-u-sheeg si uu dadka u garansiiyo ujeeddada guumaysigu waxay tahay ama waxa uu doonaayo ee uu damacsan yahay.

Markuu reer magaalihii wax garab joogsada ama u gargaara, guumaysigana ka dhiidhiya ka waayey, wuxuu goostay inuu miyi u kaco, maxaa wacay dadka Soomaalida boqolkiiba-95 waxay degganaayeen miyiga; itaal, awood iyo adduunba waa ku lahaayeen.

1897kii isagoo koox wadaaddo ah wata buu ka soo baxay Berbera, dabadeedna wuxuu shalmadda dhigay ceel la yidhaahdo Qoryaweyn oo 60 mayl u jira magaalada Burco, kana xiga geesta koonfur-bari. Wuxuu halkaa ka abuuray ururkii ugu horreeyey dhiskii Daraawiisheed (Xarunta). Intaan laba gu’ iyo dayri ka soo wareegin markuu Berbera ka soo baxay wuxuu isku dubbariday dadkii dhulka degganaa oo dhan, warkiisiina gees walba waa u fiday.

Ingiriisku taas ma filayn maskaxdana kuma hayn, mana malaynayn inuu Sayid Maxamed col uruursi ku maqan yahay, dad oo dhammina raacay. Wuxuu warkii ku noqday argaggaxiso iyo layaab! Waxay la sii yaabeen markay u caddaatay wuxuu meesha ka wado ama ka damacsan yahay iyo sida dad isugu dumay ama isugu dubbariday dadka xaddigaas leh.

Daraawiish waxaa la dagaallamayey oo ka soo horjeeday lix ciidan oo kala duwan, kuwaas oo kala ahaa:

1)      Ciidanka Ingiriiska

2)      Ciidanka Talyaaniga

3)      Ciidanka Xabashida

Oo saddexduba doonayey inay qabsadaan dalka Soomaaliyeed.

Saddex boqor ciidamadood:

4)      Suldaan Cali Yuusuf oo Hobyo u talin jiray.

5)      Boqor Cismaan oo gobolka Bari u talin jiray.

6)      Garaad Maxamuud Cali Shire oo degmada Laasqoray u talin jiray.

Saddexdaas boqor waxay ciidamada guumeysiga gacan siinayeen si ay talisyadoodu u nabad geliyaan. Daraawiishi intaas oo dhan gaashaanka ayay u qabteen, in badanna waa ka libeysteen.

Nin kastaa waa og yahay ama waa maqashoon yahay Sayid Maxamed iyo Daraawiishi heerkii sare ee ay gaareen iyo wixii gaalo iyo cawaankeed kala gaaray ama waxay kala muteen. Haddaba aan soo qaadanno taariikh gaaban.

Mahadnaq

Waxaa ila gudboon inaan u mahad naqo dadkii buuggan qoristiisa, garaaciddiisii iyo isuduwiddiisa igu gargaaray. Dadkaasna abaalkooda Eebbe weyne ayaa gudi kara.

Iyagoo dadkaasi fara badnaa waxaanan halmaami karayn:

A)     Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo diiwaankan soo saariddiisii gacan weyn ku lahayd.

B)     Axmed F. Cali “Idaajaa” oo aan u yeerin jiray buuggan habeen iyo maalin, oo hawl weyn ka qabtay gabayadaa qorriinkoodii.

T)         Cumar Aw-Nuux Maxamed oo qoridda iyo garaacidda makiinadda gacan buuxda ku lahaa, markaan billaabay illaa dhammaadkiisii.

J)  Jaamac Xaaji Xasan Cilmi oo had iyo jeer gabaygii dhammaada garaaciddiisa makiinadda la kor taagnaa oo aan oron karo hawl weyn baa ka soo gaartay.

X)Faadumo Xasan Maxamed oo sidaas oo kale garaacidda buuggan qayb weyn ka qaadatay.

Kh) Dr. Yaasiin Cismaan Keenadiid oo nagala talin jirey habka iyo hannaanka buugga loo qorayo.

D) Aw-Daahir Afqarshe oo had iyo jeer aan gabayada kala tashan jirey.

Xusuus gaar ah waxaa iga mudan raggii Daraawiisheed ee gabayadan laga soo guuriyey oo badidoodii ciidda ka hoos mareen.

Sheekh Jaamac Cumar Ciise

Ururiyaha Diiwaanka

Gogoldhig

Diiwaankan Sayid Maxamed wuxuu ka kooban yahay 120 gabay oo ka mid ah gabayadii Sayidka. Gabayadaas oo jaad walba leh, waxaa soo ururiyey Sheekh Jaamac Cumar Ciise oo ka mid ah Guddiga Af Soomaaliga. Sheekh Jaamac wuxuu kaloo ka mid yahay ragga gabayada, taariikhda Sayidka iyo Dhaqdhaqaaqii Daraawiishta dhab u yaqaan kuwa ugu fiican.

Gabayadu waxay muujinayaan taariikhdii weyneyd ee Sayidka iyo halganki Daraawiishta. Waxay kaloo tusayaan heerka sare ee Sayidku murtida iyo suugaanta Soomaalida ka joogay iyo sida uu suugaanta ugu xeel dheeraa.

Diiwaankan waxaa Guddiga Af Soomaaliga u soo gudbiyey Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Akadeemiyada Dhaqanka si ay isha u mariyaan, waxay u la ekaataba uga soo yiraahdaan. Dabadeed haddii guddigu eegay, aad buu ugu bogey gabayada iyo habka wanaagsan ee loo uruurshay labadaba.

Sidaas darteed, waxaa uu Guddigu gartay in diiwaankan sida uu yahay degdeg loogu daabaco.

Guddiga Af Soomaaliga

Xamar, 01.01.1974

Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

HORDHAC

Sida la og yahay ummad kasta oo af, dhaqan iyo hidde wadaagta waxay leedahay murti iyo suugaan u gaar ah oo ay ku hirtaan. Hal-abuurayaasha dejiya suugaantaasna waxaa la og yahay iney door weyn ka cayaaraan isuduwidda, kicinta iyo horumarinta ummaddaas.

Sayid Maxamed wuxuu ka mid yahay abwaannada waaweyn ee taariikhda Soomaalida meel ka galay. Taasna waxaa u aqoonsan dadkiisa iyo dadyowga kale markay u sugnaatay inuu ahaa geesi waddani ah, gabyaa aftahan ah, buuni cilmi leh, siyaasi xirribbo badan. Intaaba waxaa marag u ah gabayadiisii jaad walba leh, waxaana garan kara qofkii murtidiisa dhuuxa marka laga eego xagga suugaanta, siyaasadda, wadaninnimada iyo aftahannimada ku jirta.

Diiwaankan waxaa ku qoran 120 gabay oo Sayid Maxamed tiriyey intii u dhexeysay 1904tii – 1920kii, iyo 16 gabay oo gabayada Sayidka xiriir la leh. Guud ahaan waxay gabayadaasi muujinayaan dhaqankii Soomaalida iyo heerkii suugaantu waqtigaas joogtay. Wixii gabay, geeraar iyo jiifto Sayidka laga hayey, oo saddex cay ah oo gaaban nisbadooduna aynan sugnayn ma’ahee, intii kale halka ayey ku dhan yihiin.

Marka waxbarasho guud mooyee, waxay gabayadu albaab weyn u furayaan qoraalka suugaanta af-Soomaaligu hodonka ku yahay. Waxayna dhaxal u noqon doonaan dadka danbe ee wax qori doona. Kuwaas oo buuggan ka heli doona tusaalooyin badan oo waxtar u leh.

Odayaashii tan iyo muddo dheer u guntaday inay uruuriyaan ka dibna qoraan buuggan, waxaa sharaf iyo abaalmarinba ugu filan inay wariyeen wixii mahadho Sayidka laga hayey, anaguna waxay naga mutaysteen mahad iyo ammaan.

Jaale Maxamed Aadan Sheekh
Xoghayaha Dowladda
Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

___________________

TUSMADA DIIWAANKA

Gabayada ku socda xarafka “A”
Gabayada ku socda xarafka “B”
Gabayada ku socda xarafka “T”
Gabayada ku socda xarafka “J”
Gabayada ku socda xarafka “X”
Gabayada ku socda xarafka “D”
Gabayada ku socda xarafka “R”
Gabayada ku socda xarafka “S”
Gabayada ku socda xarafka “SH”
Gabayada ku socda xarafka “DH”
Gabayada ku socda xarafka “C”
Gabayada ku socda xarafka “G”
Gabayada ku socda xarafka “F”
Gabayada ku socda xarafka “Q”
Gabayada ku socda xarafka “K”
Gabayada ku socda xarafka “L”
Gabayada ku socda xarafka “M”
Gabayada ku socda xarafka “N”
Gabayada ku socda xarafka “W”
Gabayada ku socda xarafka “H”

Keebaa Xariifsan, Laxda ama Libaaxa?

Sabriin Xasan

Bari hore, ayaa waxaa jiray libaax xeel badan iyo lax xariifad ah. Maalin, ayaa laxda xariifadda ah ayadoo la daaqaysa saaxiibadeed caws meel banaan markaas oo libaax xeelbadan uu ka soo gurguuranayo keynta asagoo ku soo wajahan. Markii uu libixii ka soo muuq baxay caws dheer idihii waxay isku diyaariyeen inay cararaan sababtoo ah waxay ka cabsadeen cidiyihiisa fiiqan iyo miciyihiisa dheerdheer. Waxuu libaaxu cod dabacsan ku yidhi ‘Waxba ha cararina,’ ‘Waxaan uun halkan u imid inaan idiin sheego bali biyo nadiif ah oo kaymahan dhinacooda ah. Maxaad iigu imaan ladihiin ood iila cabi ladihiin.’

Laxda xariifadda waxay taqaanay inay ka wanaagsantahay in la aamino libaaxa, laakiin saaxibadeed aad ayay u oomanayeen sidaa darteedna waxay oggolaatay inay cabitaan u raacdo libaaxa. Laxda xariifadda ah waxay u digtay saaxiibadeed laakiin saaxibadeed ma ayna yeelin.

Sidaa darteedna libaaxu waxuu ku dagay laxda caws dheer asagoo balan qaadaya biyo nadiif ah. Libaaxu geesaha ayuu fiirfiiriyay si uu u hubiyo in ayna xayawaan kale jirin agagaarka inay caawiyaan laxda, markii uu hubiyayna inay kaligood yihiin wuu ku soo booday ayadoon iska jirin, waxuu ku xagxagay oo ku jeexjeexay cidiyihiisa fiiqan, waxuuna ka dhigtay cashadiisa.

Maalinkii danbe, markii saaxiibadeed ayna ku soo noqon xaynta, laxda xariifadda ah waxay yaqiinsatay in libaaxa xeesha badan uu cunay. ‘waa toban ido ah bishan,’Nafteeda ayaa ku fakartay. ‘Waa inaan sameeyaa wax si aan u joojiyo libaaxa xeel badanaha ah inta aanan waayin dhamaan saaxiibaday!’

Sidaa darteedna laxda xariifadda ah waxay ooga digtay intii xaynta ka hadhay libaaxa xeel badanaha ah iyo xeeladihiisa. Laakiin idaha nacasiinta ah ma ayna yeelin, waxaana la dhaafay asbuucyo iyo bilo, libaaxa xeel badanaha ah waxuu ku dagay ido badan oo badan cawska dheer asagoo balan qaadaya biyo nadiif ah. Waxayna ahayd halkaas in ay la kulmaan dhamaadka noolashooda.

Maalin, ayaa laxda xariifada ahi go’aansatay in la naaqusiyo asaga si wax loogu sameeyo libaaxa xeeelada badan iyo qaababka waxyeeladiisa.

Laxda xariifadda ahi waxay sugtay ilaa habeenku ka madoobaaday ka dibna waxay xamaaratay meel banaan oo ku xigta caws dheer. Markii ay hubisay in ay kaligeed tahay, waxay bilawday inay ka qoddo dhulka god aad u dheer. Markii ay tani qabsoontay, waxay sameysay dab weyn salka hoose ee godka ka dibna waxay ku dabooshay godka duur iyo caws sidaa darteed qiiqu wuu qarsoomay.

Laxda xariifadda ah waxay si dulqaad leh u sugtay ilaa waa barkii, markii ay cadceedu soo baxdayna waxay maqashay cod caan ah oo ka soo baxaya cawska dheer.

‘Maxaad iigu imaan la dahay, laxdaadan yar. Waxaan aqaanaa bali biyo nadiif ah oo dhinaca keynta ah meeshaas ood ku raaxaysan biyo qabaw.’

Laxda xariifadda ah kama ayna dhaqaaqin meesheeda. Badalkiina, laxdu waxay tidhi, ‘maxaad ooga soo bixi ladahay cawska dheer waxaanan ku tusi doonaa meel aad ka heli kartid ido badan inaad cuntid.’

Xaqiiqadii libaaxu waxuu ahaa mid xeelad badan, laakiin sidoo kale waxuu ahaa mid hunguri badan mana daba mari karin rabitaanka ah cunno badan.

‘Ii imaw,’ ayay tidhi laxdii markale, ‘waxaana ku tusi doonaa meesha ay xeyntu ku nooshahay.’

Waxuuna runtii, Libaaxu ooga soo tilaabsaday cawska dheer banaanka. Laakiin mar alaale markii uu ka soo dhaqaaqay cawska, waxuu ku dhacay godkii dheeraa waxuuna ku gubtay dab dhamac ah ooy u dhigtay laxda xariifadda ahi.

‘Taasi waa dhamaadkii noolashaada iyo qaababka waxyeeladaadii,’ ayay uurka ka tidhi laxda xariifadda ahi. ‘Hadda anagoo ido ah waxaan ku joogi doonaa amaan, oogu yaraan muddo.’

Markii ay laxdii xariifadda ahayd ku soo noqotay goobteedii waxay ooga warantay xeynta inteeda kale kuusheedii ay ka guulaysatay libaaxa. Dhamaantood way farxeen waxayna u hanbalyeeyeen saaxibadood, dhamaantoodna waxay waydiiyeen sida ay u awooday inay u disho libaaxa xeelada badan maadaama u yahay dugaag aad u weyn oo xoogan ayaduna ay tahay mid yar oo nugul.

‘Way fududeed,’inay ka jawaabto laxda xariifadda ah, ‘dhamaan waxa aan sameeyay waxay ahayd daawasho iyo barasho khaladka lagu sameynayo kuwa kale.’

Ka dib laxda xariifadda ahi waxay sii waday inay sharaxdo sidii ay u daawanaysay libaaxa xeelada badan ee ku dagayay saaxiibadeed keynta, sidoo kalena waxay sharaxday in ay tani keentay sida ay u baratay dabeecadda hunguri waynanka libaaxa.

Xeynta inta hadhay waxay dhagaysteen laxda xariifadda ah ayagoo ku ururaya sidaa darteedna waxay barteen sida ay muhiim u tahay in la dhagaysto talo bixinta wanaagsan ee uu bixiyay saaxiib.

Boqorkii Lahaa Dhagaha Dameerka

Ismaaciil Daahir

Bari hor, ayaa waxaa jiray Boqor kaasoo lahaa dhago balaqsan oo u qaab eg dhagaha dameerka. Boqorku waxuu aad ooga xishoonayay dhagihiisa badanaana wuu dabooli jiray marka uu joogo meel layskugu imaado sidaa darteed dadka tuulada looma oggolaan inay ogaadaan sirtiisa. Qofka kali ah ee waligii arkay dhagaha boqorka waxuu ahaa timo jarihiisa.

Badanaa boqorku waxuu oogu digaa timo jarihiisa, ‘waa inaad balan qaadid inaadan waligaa u sheegin qofna in aan leeyahay dhago u eg kuwa dameeraha ama waxaan u soo diri doonaa ilaaladayda gurigaaga waxayna kuu qaadi doonaan xabsigayga halkaas oo ku jiri doontid inta noolashaada ka hadhay.’ Timo jaraha waxuu la kulmay xaalad aad u adag inuu ilaaliyo sirtan sababtoo ah waxuu rabay inuu ooga sheekeeyo dhamaan dadka tuulada dhagaha boqorka, laakiin badanaa waxuu xasuustaa digniinta boqorka waxuuna aad ooga qarinayay sirta xataa naftiisa sannado badan.

Laakiin subax, ayuu timo jarihii toosay waxuuna go’aansaday in uunan ka qarin sirta naftiisa mar danbe. Wuu labistay waxuuna ka baxay gurigiisa waxuuna ooga socdaalay tuuladii baadiyaha meel uu xaqiijiyay in uu kaligii yahay. Ka dibna waxuu helay meel caws balaadhan ka baxay waxuuna bilaabay inuu god ku qodo gacmiisa.

Oogu danbayntii timo jarihii waxuu qoday god aad u dheer, markii uu ku qancayna shaqdiisa wuxuu afka saaray godka waxuuna ku qaylyay codkiisa oogu dheer, ‘ Boqorku waxuu leeyahay dhagaha dameerka oo kale! Boqorku waxuu leeyahay dhagaha dameerka oo kale!’

Markii uu ku dhawaaqay sirta boqorka, timo jaruhu waxuu dareemay wanaag badan. Ka dibna waxuu ku daboolay godkii ciid iyo caws waxuuna ku soo noqday gurigiisa, asagoo naftiisa ku qancinaya inuuna jabinin aaminaadii boqorka.

Sannado badan ka dib, waxaa jiray iskuul laga dhisay meel ku dhagan godka, waxaana goob ciyaar laga sameeyay agagaarka godka meel ay caruurtu ku ciyaaraan marka ayna fasal lahayn.

Maalin, marka ay caruurta oo dhan ku ciyaaraysay goobta ciyaarta, wiil yar ayaa daboolka ka qaaday godka oo lagu qariyay ciid iyo caws. Si dagdag ah ayuu willkii ooga qofay ciidda waxaana si dagdag ah ooga soo wada baxay godka cod dheer oo raacay hawada si ay dhamaan u maqlaan caruurta…

‘Boqorku waxuu leeyahay dhagaha dameerka oo kale! Boqorku waxuu leeyahay dhagaha dameerka oo kale!’
Caruurtu aad ayay oola yaabeen inay maqlaan codka timo jaraha ee hawadu waddo, wayna ku qosleyn waxa ku saabsan sirta ee dhagaha boqorka. Markii ay tageen guriga maalinkaas, caruurtii waxay u sheegeen sirta waalidkood. Ka dibna waalidiintu waxay u sheegeen sirta qoyska intiisa kale. Ka dib qoys kasta waxuu u sheegay sirta dhamaan saaxiibadood. ‘Boqorku waxuu leeyahay dhagaha dameerka oo kale’ way isla qosleyn midba midka kale.

Si dhakhso ah tuulada oo dhan waxay ogaatay waxa ku saabsan dhagaha boqorka dhamaanna way wada qosleyn sababtoo ah hadda waxay ogaadeen sababta oo badanaa boqorku u duubto madixiisa mar kasta oo uu u soo baxo dadweynaha.

Waa hagaag, in badan ma ayna qaadan inta uuna ogaanin boqorku in qofkasta uu ogaaday sirtiisa aad ayuu u yaxyaxay aad ayuuna u xanaaqay. Boqorku waxuu ogsoonaa in uu hal nin oo kali ah uu ogaa dhagihiisa kuwa dameerka u eg sidaa darteedna waxuu u diray ilaaladiisa guriga tima jaraha. Ilaaladu waxay soo qabteen tima jarihii waxayna ku soo jiideen meeshii waxayna ku rideen ninka xabsigii uu u sheegay in inta noolashiisa ka dhiman uu ku qaadanayo.

Tima jaruhu waxuu ka baryay boqorka inuu iska sii daayo, laakiin boqorku waxuu ku yidhi tima jarihii, ‘Waxaad balan qaaday in aadan sheegin sirteyda laakiin waad ka qarin wayday naftaada. Waan ku aaminay waadna i khiyaantay. Arrintan darteed waxaan ku qaadan doontaa inta noolashaada ka hadhay xabsiga waxaadna baran doontaa inay badanaa tahay muhiim in la ilaaliyo balamaha dadka kale oona la sheegin siraha.’

Sidaa darteedna tima jaruhu waxuu ku jiray xabsiga inta noolashiisa ka hadhay badanaana waxuu ka shalaayay sheegidda sirta boqorka markii uu kula ballamay inuuna sheegin.

Ninba Wuxuu Geystaa Loo Gudaa

Liiban Axmed

Riti iyo dawaco ayaa waxay ahaayeen saaxiibo aad ah waxayna ahaayeen tuug waaweyn. Maalin, ayaa labada saaxiibo waxay go’aansadeen inay wabiga ka gudbaan sidaa darteed waxay u socdaaleen beer u dhaw inay ka soo xadaan wax la cuno. Dawacada yari ma dabaalan karto sidaa darteed ritigu waxuu ku yidhi saaxiibadii, ‘Dhabarkayga ku soo bood waxaanan kaa gudbin wabiga.’

Sidaa darteedna dawacadu waxay ku booday dhabarka ritiga waxuuna ritiga awooda badani dabaal ooga gudbay wabiga gadiga kale.

Markii ay gudbeen wabiga, ritigii iyo dawacadii waxay wajaheen beerta. Oogu danbeyntii markii ay gaadheen beerta, dawacadii waxay qabsatay diyaag ritigii oo daaqayay qudrad aad u macaan.

Dawacada hunguriga badan waxay si dhakhsa ah u boobtay diyaagteedii ka dibna waxay ku tidhi saaxiibkeeda ritiga ah, marka aan cunnada ka bogo waxaa caado ii ah inaan heeso.’

‘Waa wali ha heesin,’ ayuu yidhi ritigii asagoo raaminaya cunnadiisa qudradda ah. ‘Wali ma aanan bogan cunitaanka haddii aad heystidna ka dib qofka beerta leh wuu ku maqli doonaa. Bal marka hore aan dhameeyo cunnadayda ka dibna waad heesi kartaa marka aan gurigu u sii socono.’

Laakiin dawacadu ooma dhag laalaadin saaxiibkeed waxayna bilawday inay ku heesto codkeeda sare. Qofkii beerta lahaa waxuu markiiba maqlay heestan waxuuna ka soo orday gurigiisa asagoo wata ul aad u wayn. ‘Cashir ayaan idiin dhigi doonaa sida aad ii xadeen’ ayuu ku dhawaaqay ninka beerta oo xanaaqsan.

Maadaama oo dawacadu yartahay ooy fudutahay waxay awooday inay ka baxsato ninka beerta. Laakiin ritiga miskiinka ah wuu tab gaabnaa, walina waxuu ku guda jiraa cunista cunnadiisa, sidaa darteedna ma uuna arag ninka beerta ilaa uu u soo dhawaado.

Ninka beerta oo xanaaqsan waxuu la dhacay ritiga ushiisa weyn ritiga maskiinka ahna waxaa ka gaadhay garaacid badan lugaha iyo dhabarka ka hor inta uuna oogu danbeystii baxsan.

Markii uu ritigu gaadhay wabiga lafihiisa oo xanuunaya waxuuna aad ooga careysnaa saaxiibaddii dawacada ah. ‘Maxaad u heestay adoo ogaa in ninka beertu ku maqli oodna arkaysay in aan wali cunayo cunnadayda?’ ayuu way diiyay ritigu.

‘Sababtoo ah waa caadadeyda,’ ayay ku jawaabtay dawacadu. Hadda bal aan fuulo dhabarkaaga sidaa darteed waxaan ku noqon karnaa gurigeena wabiga goyntiisa.

Ritigu wuu yeelay dawacaduna way ku booday dhaberkiisa. Ka dibna ritigu waxuu si tartiib ah u lugeeyay daanta wabiga waxuuna bilaabay inuu dabaal ku geeyo gadiga kale dawacada oo saaran dhaberkiisa.

Marka uu ritigu uu ka gudbay kala badh wabiga, meesha ay biyuhu oogu moolsan yihiin oo ay aad u socdaan, waxuu joojiyay dabaashii waxuuna u sheegay dawacada, ‘Marka aan bogto cunidda waxaa caado ii ah inaan qabaysto.’

‘Ha qabaysan!’ ayay ku baryootantay dawacadu. ‘ma dabaalan karo haddii aad qabaysatidna waxaan raaci doonaa biyaha!’

‘Waan ka xumahay,’ ayuu yidhi ritigii, ‘laakiin sida caadada ah waan qabaystaa ka dib marka aan wax cuno. Waa caadadeyda.’

Sidaa darteedna ritigu dhaberkiisa ayuu hoos oogu dhigay moolka ilaa ay dawacadu ka fakato dhaberkiisa waxayna bilawday inay raacdo daadka caawin la’aan. ‘I caawiya,’ ayay ku oyday dawacada dhibaataysan, ‘Waan hafanayaa, waan hafanayaa!’

Ritugu waxuu waydiiyay dawacada, ‘Ma ka xumeed in aad ahayd danayste oo aad adigu sababtay in ninka beertu i garaaco?’

‘Haa, haa, run ahaantii waan ka xumahay!’ ayay ku ooyday dawacadu inta uuna madaxeedu markale makhuuran biyaha.

Ritigu calool adeeg ma lahan uu ku eegto saaxiibadii oo ku hafanaysa wabiga sidaa darteedna wuu ka soo jiiday dawacada yar biyaha waxuuna dhigay dusha dhaberkiisa. Ka dibna ritigu waxuu ka gudbay wabiga wuxuuna fantay gabiga waxuuna gaadhay caws diiran.

Dawacadu waxay garawsatay in ay tahay daneyste xun waxayna ku tidhi saaxiibkeed, ‘waan ka xumahay wixii aan sameeyay waxaanan balan qaadayaa in aad i aamini kartid waligaa saas bayna ku dhantahay.’

‘Waxaanan ka xumahay in aan kuu dhigay cashir manta, laakiin marar badan noolasha badaanaa waa arrin ah ninba waxuu geysto ayaa loo gudaa.’

Hadaba labada saaxiib waxay bilaabeen inay qosqoslaan ooy ku galgashaan cawska diiran ayadoo ilayska cadceedu qalajisay dhogortooda qoyan. Dawacadu waxay baratay cashir lama ilaawaan ah maalintaas; waxay baratay in ayna wanaagsaneyn in la khayaamo saaxiib, iyo in haddii aad ku sameysid qof khalad uu ka dib qofkaasu kugu sameyn karo khalad. Xaqiiqdii waa cashir ah ninba waxuu geysto ayaa loo gudaa.

Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya

1952 – 2002
Rimicii 1aad

Cabdi-Shakuur “Cobol” Mire Aadam


Dhammaan xuquuqda buuggan waa dhawrsantahay. Waxaa iska leh qoraha, lama daabici karo, lama koobiyayn karo, lama minguurin karo, keydna looma haysan karo, iyadoon oggolaansho rasmi ah laga helin qoraha la’aantiis.

© Cabdishakuur Mire Aadam, 2011

ISBN: 978-0-9549555-8-8

Waxaa lagu daabacay
Xarunta Madbacadda Horyaal
Boosaaso, Soomaaliya
2011
horyalpr@yahoo.com | horyalpr@gmail.com
+252 907 796169 | +252 907 726169 | +252 5-824299

Wixii faahfaahin ah ama dalab ah kala soo xiriir qoraaga
cobol319@gmail.com | cobol319@hotmail.com

 

Hibayn

Qoraalka buuggan waxaan u hibeeyay oo ku xusuusanayaa Sheekh Nuur Cali Colow (Alla ha u naxariistee), bud-dhiggii baraarugga Islaamiga ee Soomaaliya qarnigii 20aad ee aynu kasoo gudubnay. Waxaan kaloo u hibaynayaa Cabdi-Rashiid Guuleed Warfaa, oo ahaa nin dhallinyara ah oo aannu isku arday ahayn, nin mufakir iyo qoraa labadaba ahaa.

Afeef

Waxaan ka afeefanayaa in wixii khalad ah ama gaf ah ee buuggan ku soo baxa aannay iga ahayn mid aan si ulakac ah u sameeyay.
Waxaan caddeynayaa in qoraalka iyo xog-uruurinta aqoontaydu sidaas noqotay, diyaar ayaan u ahay inaan raalli gelin ka bixiyo iyo weliba inaan saxo.
Ma ahan wax sahlan in qoraal laga diyaariyo Islaamiyiinta Sooamaaliya oo aan laga hayn qoraalo la tixraacayo oo ka waramaya sidii wax u socdeen iyo marxaladihii kala duwanaa ee taariikhda kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya. Waxaan Ilaahay ka baryayaa haddaan khaldamay cafis iyo dembi dhaaf xaggiisa ah.


 

Tusmada Buugga
Cutubka I
Cutubka II
Cutubka III
Cutubka IV
Cutubka V

Gogoldhig
Ararta Qoraaga
Guud-mar Ku Saabsan Buugga
Mahadnaq

Cutubka I
1. Baraarugga Dacwada
Indha Kala Qaadkii Islaamiyiinta Soomaaliya
Macnaha Salafiyada
Macnaha Suufiyada
Wahaabiyadu Waa Ayo?
Aasaaskii al-Ahli
Maxaa Ka Dhashay Xeerka Qoyska?
Doorka Ikhwaanka Ee Dacwada Soomaaliya
X.H.K.S Iyo Herdintiisii Islaamiyiinta
Kaalinta Haweenka Ee Baraarugga Dacwada
Isku Daygii al-Ahli Ee Awood Ku Qabsiga Xukunka

2. Midabbadii Islaamiyiinta Soomaaliya
Dildilaacii al-Ahli
Khilaafkii Gama’sanaa Ee Islaamiyiinta
Jamaacatul Muslimiin-ta Masar
Al-Islaax
Jamaaca Islaamiya
Waxda al-Shabaab al-Islaamiya
Waayihii Hor-u-Socodka Islaamiyiinta
Al-Ittixaad al-Islaam
Saamaynta Qabiilku Ku Dhex Lahaa Islaamiyiinta
Dhexdhexaadintii Turaabi Ee Siyaad Barre iyo Islaamiyiinta

3. Ismuujintii al-Ittixaad
Garabkii Hubaysnaa
Ismuujintii Al-Ittixaad
Saamayn Intee Le’eg Ayuu Reebay Dagaalkii Araare?
Shirkii Hoggaanka Al-Ittixaad Jabuuti 1991
U Guuristii Al-Ittixaad Gobolka Waqooyi Bari

Cutubka II
Al-Ittixaad iyo SSDF
Ifafaalihii Colaada Al-Ittixaad iyo SSDF
Isku Dhicii Al-Ittixaad iyo SSDF
Dagaalkii Garoowe
Eeshu Dagaalku Reebay
Duulaankii Boosaaso

 

Gogoldhig

Diinta Islaamku waxay soo gaartey Soomaalida iyada oo ay bilow tahay. Raadkii ugu horeeyay waxaa reebay saxaabadii ka soo hijrooday degmada Maka ee aaday boqorkii Xabashida. Tan iyo waagaas waxaa jiray hirar kacaanimo ah oo isugu jiray dacwad Iagu faafinayay Caqiidada Islaamka iyo baraarug lagu xoojinayay aqoonteeda. Kiisii ugu danbeeyay wuxuu ahaa baraaruggan Casriga ah ee ka dhashay in Soomaalidu ay dib ugu laabtaan Hiddihii iyo Xeerar-dhaqameedkii Islaamku lahaa.
Guud ahaan, hayaanka geeddi-socodka nolosha waa xawaare horay u socda oo bulshooyinku ay ku urursadaan tijaabooyinka aqooneed. Dhaxalka ay facuhu isu gudbiyaan waxaa ugu hilan culus dhaqanka, kaas oo ah mid ka dhasha garasho la miiray iyo howlo lagu fuliyay karti badan. Dhaqdhaqaaqyada ay facuhu unkaan wuxuu saldhig u yahay qaabkii ay bulshadu ula fal-geli lahayd nolosha waayaha cusub. Haddii ay bulshadu ku sugan tahay guul, waxay u baahan tahay fac karti iyo xeelad ku ilaaliya guushii ay dhaxleen. Haddayse bulshadu ku sugan tahay guul-darro, waxay u baahan tahay fac ka tallaabiya godka taariikheed. Bulshadii laga waayo jiilal ceynkaas ah waxay ku xukman tahay in cimrigeedu dhamaado oo ay ka tir-tiranto nolosha.
Buugga Kobocii Islaamiyiinta wuxuu inoo soo bandhigayaa sawir uu leeyahay dhaqdhaqaaqii ugu xoogga waynaa oo dhallinyaro Soomaaliyeed ay curiyaan muddadii ay Soomaalidu u dhisnayd dowlad madax-bannaan. Dhaq-dhaqaaqaasi wuxuu ka mid ahaa kuwii mucaaradka ku ahaa dowladdii Soomaalida u dhisnayd. Laakiin mabaadiida diiniga ah oo hadafka u ahaa ayaa waxay siisay in uu ka midab duwanaado dhaqdhaqaaqyadii hubaysnaa ee mucaaradka ku ahaa dowladdii Kacaanka. Haddii ururadii mucaaradka ahaa ay aydiyolojiyo ka dhigteen qabiil, kani wuxuu lahaa aydiyolojiyo diineed. Haddii ay cudud ka raadiyeen xoogaggii reer miyiga ee la qabiilka ahaa, iyagu waxay cudud ka raadiyeen reer magaalkii Soomaaliyeed iyo dhallinyaradii dugsiyada dhiganayay, kuwaas oo weliba ay diinta bareen. Haddii mucaaradkii kale ay xabbad ku bilaabeen halgankooda, iyagu dacwad ayay ku bilaabeen dhaqdhaqaaqooda. Haddii mucaaradkii kale cudud ka raadiyeen dowladihii deriska ahaa ee cadaawadda taariikheed ay ka dhexeysey iyaga iyo Soomaaliya, iyagu cadowga Soomaaliyeed cadow ayay u arkayeen.
Nuxurka buugga wuxuu inoo soo bandhigayaa, qaabkii Islaamiyiintu ay ula fal-galeen marxaladihii kala duwanaa oo ay la soo kufaa-kacayeen dacwadda diiniga. Xiiso gaar ah waxaa leh sida qoraagu uu isugu howlay in uu u kala qeybiyo xilliyo muhim u ah taariikhda baraarugga.
Qoraagu wuxuu si qurxoon u soo bandhigay taariikhda xilli howlaha baraarugga ay bilow ahaayeen, isga oo xusaya raggii fikradda wadey. Waxaa xigey xilli ay howshu ku socotey qarsoodi iyada oo laga cabsi qabay cadaadis kaga yimaada dowlad ciidan ka taliyo. Waxaa xigey xilli baraaruggii xoogeystay oo ay isa soo bandhigeen. Dabadeena waxaa ka sheekeynayaa xilligii hubka la qaatay.
Waxaa kale oo buugga xiiso u yeelaya hayaanka taariikhda baraaruggan oo ah mid aanan caga-dhigan oo weli geeddi-socod ku jira. Bulshada Soomaaliyeedna in-badan ayaanan la socon hayaanka baraarugga Islaamka iyo kobacooda.
Sawirkaas taariikeed iyo sida runta ah oo uu uga war-bixiyay ayaa waxay tahay mid soo-jiidasho iyo xiiso ku abuuraysa akhriste kasta ee uu gaaro buugga Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya.
Ugu danbayntii qoraaggu waa uu ku mahadsan yahay dadaalka xoogga wayn ee uu isugu taxalujiyay ururinta taariikhdan ah hanti ummadeed iyo sida qurxoon ee caddaaladda ku dhisan ee uu u soo bandhigay.

Dktr. Saadiq Eenow
Jaamacadda Bariga Afrika, Boosaaso, Soomaaliya

 

ARARTA QORAAGA

Guud ahaan qoraalku wuxuu saldhig u yahay in bulshada loo soo bandhigo isbedelka taariikhda. Waxaan doonayaa inaan ka hadlo sababihii igu dhaliyey innaan qoro buugga Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya. Mowduucan ayaa ah mid aad u xasaasi ah kolka la eego waqtigan taagan. Dhiiri gelintii ugu horeysay waxaa iska lahaa qorista buuggan Ladan Axmed Caafi iyo Cabdullaahi Abuukar Busuri oo iyagu si hagar la’aan ah iigu taageeray in aan mawduucan ku soo bandhigo kulan Jabuuti lagu qabtay Disembar 2007, waxaa kaloo iyaguna kaalintaas ka mira dhallinta qormadaydan si weyn dhiiri gelin ugu lahaa Cabdirisaaq Hiirad iyo qoraagga caanka ah Cabdicasiis Cali Ibraahim (Xildhibaan). Weligay waan ku hammiyi jiray inaan qoraal ahaan u soo bandhigo kufaa kaca waayaha Islaamiyiinta Soomaalida oo aan wax badan ka xasuusto waqtigay curdinka ahaayeen. Waxaan jeclaystay inaan u iftiimiyo jiilka dambe ee Soomaalida meel ay ka dheegtaan wixii dhacay ee taariikhdu dhigayso.
Sannadkii 1992dii ayaan waxaan ka mid ahaa qaxooti Soomaaliyeed oo ku jiray xero lagu magacaabi jiray Majeengo oo ku taalay bartamaha magaaladda Mombaasa ee dalka Keenya. Habeen habeennada ka mid ahaa koox dhallinyaro ah ayaa waxaa muxaaadaro u jeedinayey daaciga caanka ahaa ee Sheekh Nuur Cali Colow, wuxuu aad habeenkaas ugu dheeraaday shirkiga iyo sida looga fogaanayo, khatarta shirkiga ka imaan karta, gabagabadii muxaadaradaas ayuu si qiiro leh wuxuu sheekhu uga hadlay saxwada iyo baraarugga dacwadda iyo heerarkay soo martay. Wuxuu kaloo iftiinshay siday daruuriga u tahay in la laelo waqti walba dhallinyaro qaada mas’uuliyadda dacwada iyo baraaruggeeda oo dadka gaarsiisa, wuxuu ilaafay in wax la qoro. Xilligaas ayey aniga (Cabdishakuur Mire Aadam, qoraagga buuggan Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya) igu abuurantay inaan u qalab qaato bal inaan wax ka qoro, kaalintaas lama dhaafaanka ah.
Ma fududa inaad xog ka ururisid dhacdo weli socota, isla markaana wax badan oo xogtaas ahi qarsoon tahay. Waxaa laga yaabaa in qof markaad wax weydiiso uu si kale wax u qaato. Su’aalaha ugu badan ee la i weydiinayay ayaa ahaa, “Maxaad ku falaysaa waxyaabaha aad qorayso? Mowduuc kale ka hadal.” Waxyaabahaas oo dhammi igama hor-istaagin inaan ka miro dhalliyo qoraal ururiskii aan ku jirray. Qoraa kastaa meel u gaar ah ayuu qoraalkiisa diiradda ku saaraa, anigu waxaan liishaamay oo qoraalkayga ku wajahay dhaqdhaqaaqyadii Islaamiyiinta Soomaaliya, wuxuuna buuggani tilmaamayaa isla markaasna xanbaarsan yahay wejiyadii isbedbedelayay ee Islaamiyiinta. Waxaan si gaar ah u tilmaamayaa xubnihii sida muuqata iigu gacan siiyey xaqiiqooyinka kufaa kacayey ee Islaamiyiinta Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax, Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, Xuseen Cabdulle Codweyn, Ustaad Cabdiraxmaan Baadiyow, iyo Cabdullaahi Diiriye Abtidoon oo isagu si geesinimo leh u iftiinshay taariikh la isku khilaafsanaa iyo adeerkay Sheekh Maxamed Ismaaciil Yusuf. Kuligood waxaan oran karaa inay door muhiim ah ku lahaayeen u soo gudbinta jiilalka dambe taariikhda Islaamiyiinta Soomaalida oo siyaabo kala duwan mararka qaarkood loo tebin jiray. Waxaa aad u mudan in aan ku celceliyo xubno badan oo ka mid ahaa bud-dhigayaashii Islaamiyiinta Soomaaliya oo si hufan xog warranka taariikhda iigu tebiyay, iyagoon dhinacna u iilanayn. Qoraalkayga waxaan uga gol-lahaa inaan xaska usha ku dhifto si ay uga soo baxaan waxyaabaha ku jira, in la doodo isla markaana dib loo eego taariikhda baraarugga Islaamiyiinta Soomaaliya, inaan la dayicin ee qoraal loo bedelo waaya aragnimadaas.
Waxaa dhici karta in kolka la akhriyo qoraalkan inuu dhinacba si u arko, anigoo ka war haya is riixriixa Islaamiyiinta dhexdooda ah oo qoloba qolada kale si uga biyo diidsan tahay. Waxaa cad innaan xoogga saaray qoraalkayga dhinaca dhaqdhaqaaqyadii Islaamiyiinta Soomaaliya ee xoogaystay bartamihii kontomaadkii qarnigii labaatanaad, igama ahan inaan qoraalkayga ku xayisiinayo sida dadka qaarkii igula doodeen kooxo gaar ah. Balse waxaan ka hadlayay bilowga xarakooyinka Islaamiga ah ee Soomaalida oo dardartoodu muuqatay.
Weli waa socdaa hammiga ah in qayb ka mid ah Islaamiyiintu ku doonayaan in Soomaaliya laga dhiso dowlad Islaami ah. Qola waliba dariiqa ay rabto ha ku gaartee, waa bartilmaameedka dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah ee Soomaaliya higsanayaan. Sidaas darteed Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya wuxuu soo bandhigayaa oo hummaag muuqda ka bixinayaa konton sannadood xaaladda dhabta ah ee Islaamiyiinta Soomaaliya oo weli socotay taas oo maalinba meel joogtay.

Qoraaga Cabdishakuur Mire Aadam “Cobol”

GUUD-MAR KU SAABSAN BUUGGA

Waxay ahayd 2009kii markii iigu horaysay ee aan akhriyo qormooyin ku saabsan buugga Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya, kuwaas oo ku soo bixi jiray wargeyska Ogaal ee ka baxa magaalada Hargeysa. Si aad u weyn ayay qormooyinkaasi ii soo jiiteen, iyaga oo igu beeray dareen iyo xiiso gaar ah oo ku salaysan inaan mar uun arko qoraaga buugga oo ah Cabdishakuur Mire Aadam (Cobol).
Buuggan Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya mar waa macallim marna waa taariikh tebiye mar kalena waa soo bandhige arrin muhiim u ah in la ogaado. Mar waa macallimoo, waxa uu dadka barayaa oo uu musawir dhab ah ka bixinayaa arrin in badan maankooda iyo maskaxdooda ku soo noqnoqonaysay oo ku saabsan bar-bilowgii iyo asaaska fikirka kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya oo ay xuddun u yihiin kooxihii kala dambeeyey sida Al-Ahli, Al-Islaax, Jamaaca Islaamiya, Takfiir iyo Al-Ittixaad, marna waa taariikh tebiye oo waxa uu si saafan oo sarraaxad leh uga hadlayaa maraaxilkii iyo jaranjarooyinkii kala geddisanaa ee ay soo mareen kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya, mar kalena waa soo bandhige oo waxa uu daaha ka rogayaa siro qarsoon oo muujinaya ujeeddooyinkii iyo rabitaannadii is-barkanaa ee ay ka duulayeen kooxahaasi. Waxa kale oo uu soo bandhigayaa sababaha dhabta ah ee keenay inay abuurmaan kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya.
Buuggu waxa uu ka kooban yahay shan cutub oo xidhiidhsan. Cutubka 1aad waxa uu iftiiminayaa baraarugga dacwada Islaamka ee Soomaaliya, maraaxilkii ay soo martay iyo asaaskii kooxda Al-Ahli, waxaana cutubkaani aad u taabanayaa arrimaha ay ka midka yihiin: Midabbadii Islaamiyiinta oo nuxur ahaan noqonaya; dildillaacii Al-Ahli, Khilaafkii gama’sanaa ee Islaamiyiinta, Waayihii hor-u-socodka Islaamiyiinta, Saamaynta uu qabilku ku lahaa Islaamiyiinta, Dhexdhexaadintii Turaabi ee Siyaad Barre iyo Islaamiyiinta iyo Ismuujintii Al-Ittixaad. Cutubka 2aad waxa uu ku saabsan yahay iska hor-imaadkii xoogganaa ee ka dhex qarxay Al-Ittixaad iyo SSDF. Waxa cutubkan ku jira laba ciwaan oo kala ah: Dagaalkii Saliid, oo ay ku sii jiraan qodobo si faahfaahsan uga hadlaya sidii uu dagaalkaasi u dhacay, iyo Al-Ittixaal iyo Al-Qaacida. Cutubka 3aadna waxa uu tafaasiil ka bixinayaa dagaaladdii qadhaadhaa ee Muqdisho ku dhexmaray Islaamiyiinta iyo Unisom. Waxa cutubkan ku sii jira labada ciwaan oo kala ah: Al-Ittixaad iyo Gudaha Itoobiya iyo Al-Ittixaad iyo Gedo. Cutubka 4aad waxa uu kala dhigdhigayaa kala-dhambalankii Al-Ittixaad, waxaana ku sii jira labada ciwaan oo kala ah: Islaamiyiinta Maxaa Kasoo Guuxayay? iyo Milicsiga Islaamiyiinta Soomaaliya. Cutubka 5aad wuxuu inoo sheegayaa Ugxamihii Aasnaa, Abaabulkii Qarsoonaa, Qaraxyadii Geeska Afrika, Saamayntii Soomaaliya ee 11kii Sibtembar 2001, iyo Dagaalkii Dibqallooca.
Buuggan Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya ee uu qoray Cabdishakuur Mire Aadam, runtii waa buug xambaarsan macluumaad ballaadhan oo ka dhashay cilmi-baadhis iyo xog-uruurin soo gudbinaya dhacdooyin wax badan ka iftiiminaya asaaska kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya oo ay dad badani ku jaha wareeri jireen. Waana buug marjac u noqon doona cid kasta oo danaynaysa inay wax ka ogaato bar-bilowgii iyo geeddi-socodkii kooxaha Islaamiyiinta, iyo weliba maraaxilkii ay soo martay dacwada diinta Islaamka ee ay wadeen kooxahaasi.
Qoraagu waxa uu xil weyn iska saaray inuu adeegsado hannaan-qoraaleed sahlan, oo haddana qaabaysan una suurtagelinaya cid kasta oo buuggan akhridaa inay si dhib yar u dhuuxi karto muhiimadda iyo macluumaadka uu xambaarsan yahay.
Waxaaan qoraalkan kooban ee sida guud-marka ah uga hadlay buugga Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya uu bud-dhigaha u yahay Cabdishakuur Mire Aadam aan ku soo af-meerayaa laba arrimood: Waa midda koobaade, waxa aan leeyahay qoraaga buugga sida aad isugu hawshay inaad dadkaaga u soo tebiso xogahaas wax-ku-oolka ah waad ku mahadsan tahay. Waa ta labaade, waxa aan dadka afka Soomaaliga ku hadlayaa aan farayaa: wax akhriya, wax qora, oo wixii la qoraa quroomo hadhee jiilalka soo socda ha looga tago dhigaal ay tix-raacaan, kana faa’idaysta nuxurka uu xambaarsan yahay buuggani.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse “Heersare”
cabdiheersare01@hotmail.com
Tel: 00 252-2-4428516
Qoraa iyo Cilmi-baadhe
Hargeysa, Soomaaliya

MAHADNAQ

Waxaa ugu horayntii mahad iska leh Ilaahay, isagoo keliya ayaa mahadi u sugnaatay. Hase ahaate waxaan u mahad celinayaa shakhsiyaadkii gacanta igu siiyay waqtigii aan ku howlanaa qorista buuggan. Ugu horayn Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo si hagar la’aan ah iiga jawaabay waxyaabihii macluumaadkii ahaa ee aan weydiiyay, aqoonyahan Cabdirisaaq Hiirad oo sixid iyo akhrinta buuggan kaalin mug leh ka qaatay. Saaxiibkay Maxamed Saciid Kashawiito oo habaynta iyo turxaan bixinta lahaa. Burhaan Axmed Daahir oo lahaa sixidda ugu dambaysay.
Ma illaawi karo talo soo jeedintii ivo tusaalooyinkii Cabdicasiis Cali Ibraahim “Xildhibaan” oo la’aantiis aannu buuggani hirgaleen. Lama hilmaami karo sinaba kaalintooda ahayd in qoraalka buugga si habsimi leh loogu soo bandhigo akhristayaasha. Dktr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, Dktr. Saadiq Eenow, Ustaad Maxamed Cumar, Ustaad Cabdiraxmaan Baadiyow, Suldaan Cabdisalaam Maxamuud iyo adeerkay Sheekh Maxamed Ismaaciil Yuusuf “Cobol”.
Kama tegi karo Cabdullaahi Abuukar Busuri iyo Ladan Axmed Cafi oo bilowgii igu dhiirrigeliyay inaan buuggan qoro. Laba aqoonyahan oo dhallinyaro ah Cabdifataax Maxamed Suggule iyo Cabdifataax Nuur Axmed “Ashkir”. Waxaa iyana mudan inaan u mahad celiyo Sheekh Fu’aad Maxamuud Aflow, Dktr. Ciise Sheekh Axmed, Maxamed Cali Nuur “Jubba”, Brofesoor Cabdiraxmaan Faarax Cali iyo Brofesoor Maxamed Yuusuf, Sheekh Cabdirisaaq Ciise. Waxaa kaloo kaalintooda aan la dafiri karin Mahad Saciid Jebiye iyo Dktr. Maxamuud Xayir Ibraahim, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Buntlaan. Kaalin muhiim ah waxaa lahaa Maxamed Cali Aadam (tafatiraha somalitalk.com), Muuse Ducaale Aadam iyo walaalkay Cabdikaafi Mire Aadam iyo Maxamuud Saciid Xuseen (Siyaar Dable). Ma ahan inaan ilaawayo Maryan Xaaji Cabdiraxmaan iyo xaaskayga Cadar Xasan Ibraahim oo wax badan igu taageeray inuu hirgalo buuggani.
Naqshadaynta iyo dhinaca habdhiska waxaa wax weyn igu biiriyay Brofesoor Yuusuf Maxamed Xayd iyo tafatiraha Wargayska Ilays Cumar Saciid Maxamed. Gabagabadii waxaan u mahadcelinayaa Brofesoor Cabdirashiid Cabdiraxmaan Geyre oo dhiirri gelin ballaaran ka gaystay buuggan.

CUTUBKA 1AAD
BARAARUGGA DACWADA
INDHA KALA-QAADKII ISLAAMIYIINTA SOOMAALIYA

[A BLOODLESS REVOLUTION]

Afgembigii 21kii Oktoobar 1969kii ee aannu dhiiggu ku daadan, xukunka dalka Soomaaliyana kula wareegeen ciidamadii uu hoggaamiyaha u ahaa Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre, waxaa la oran karay wuxuu kaga duwanaa dowladdii rayadka ahayd ee ka horreeysay, isagoo durba ka soo horjeestay diinta iyo dhaqanka dadka oo u badnaa xoolo dhaqato si niyad ah u aamminsan diinta oo u ah halka loo noqdo mar walba oo is qabad dhexdooda ah yimaado.
26kii Febraayo 1970kii Kacaanka ayaa laallay dastuurkii dalka u yaallay. Wuxuu 2dii Maarso 1970kii gebi ahaan mamnuucay axsaabtii siyaasadda ee Soomaaliya ka jirtay, kuwaas oo kor udhaafayay in ka badan 80 (siddeetan) xisbi. Dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiintu waxay ka mid noqdeen axsaabta iridaha loo laabay. Waaga cusub ee beryay waa ku faraxsanaayeen Islaamiyiintu isbeddelka askartu samaysay ee ay awoodda dalka ku maroorsadeen, wuxuuna Kacaanku u dhiibay jagooyin sar-sare. Laakiinse waxay ka soo horjeesteen kolkuu qaaday toobiyaha hantiwadaagga oo aannay Soomaalidu aqoon durugsan u lahayn, wuxuuna la yimid xir-xirnaansho siyaasadeed iyo mid bulsheedba, iyadoo Soomaalida lagu tilmaamo dad tur-turan oo laab xaaran. Marka dib loo milicsado bulshada Soomaalidu waxay ahaayeen dhammaantood dad Muslim ah, muddo dheerna diinta soo haystay. Taasooy uga duwanaayeen ummadaha kale ee Geeska Afrika ku nool. Sidaas ayay culimadu hoggaan iyo horseed ugu ahaayeen markii isticmaarku dalka soo galay.

[Sayid Maxamed Cabdulle Xasan]

Halgankii Daraawiishta1 ee uu hoggaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ka tirsanaa dariiqada Saalixiyada, ayaa waxaa la oran karay inuu salka ku hayay diidmo Soomaalidu gebi ahaanba diideen wax ka soo horjeeda diintooda, sharaftooda, dhaqankooda iyo caadadooda, uguna babacdhigeen quwadihii gumeystayaasha oo awood ahaan aad uga itaal roonaa xilligaas.
Wuxuu halgankaas waday 1900 ilaa 1921 waxaana marar badan soo shaac baxay wadaaddo Soomaaliyeed oo daacad u ahaa diintooda lana dagaallamay gumaysigii.
Waxaa ka mida Sheekh Bashiir Xasan oo dowladdii Ingiriiska aad uga hor yimid Burco, iyo Sheekh Xasan Barsane oo gobolka Shabeelladda Dhexe Febraayo ilaa Abriil 1924, si bareer ah ugu gacansayray gumeysigii Talyaaniga. Waxaa kaloo jiray culimo dariiqooyinka ka tirsanaa oo iyagu gumaysiga kaga hortagay qaab aan qoriga la qaadanayn, waxaana ka mid ahaa Sheekh Axmed Mahdi iyo Sheekh Abiikar oo ahaa wadaaddo dadka waxbara iyagoo isaga haajiray deggaanadii ay ku noolaayeen gumaysi nacayb dartiis.
Dariiqooyiinka keligood ayaa Soomaaliya ka jiray lama oran karayn, waxaana la xusaa inay dalka soo galeen afkaaro cusub. Qarnigii 19aad rag ay ugu horeeyeen Xaaji Cali Cabdiraxmaan Fiqi-Khayre oo ku magac dheeraa Xaaji Cali Majeerteen (1787 ilaa 1852), sida ku qoran buugga Aw-Jaamac Cumar Ciise ee Taariikhda Buunigii Mujtahidka ahaa Xaaji Cali Cabdiraxmaan, iyo Sheekh Xasan Ibraahim Yabarow oo isagu xer ballaaran ku lahaa deggaanka Baardheere, ka aasaasayna jameeco sannadkii 1819, inay labadan Sheekh ahaayeen salafiyiin. Waxaa Sheekh Xasan Ibraahim Yabarow iyo xertiisuba dadka ka reebeen in la cuno tubaakada, in fagaarayaasha lagu cayaaro, ka ganacsiga foolka maroodigu inuu yahay mamnuuc iyo iyagoo faray in dumarku is asturaan. Laakiin Suufiyada ayaa waqtigaas ka xoog badnayd salafiyiinta. Waxaase jirtay in ay dad door ah ka aflaxeen dugsiyada shiikhyadan (Sheekh Cali Majeerteen iyo Xasan Ibraahim Yabarow) iyo weliba inay qabteen howlo badan oo dib u heshiisiin ah, colaado u dhexeeyay qabiilooyinka oo ay xalliyeen, waxay kaloo ahaayeen kuwa lagu ixtiraamo mas’alooyinka diinta xaggooda jira.

1. [Taariikhdii Daraawiishta, Aw-Jaamac Cumar Ciise]

 

Macnaha Salafiyada

Macnaha Salafiya2 waxa loo yaqaan sideedaba waxaa markii ugu horreeyay qeexay Imaam Shamsuddiin Al-Dahabi oo ka mid ahaa culimada Shaaficiyada. Wuxuu ku dhashay Dimishq 673 Hijriyada, kaasoo geeriyooday 748 Hijriyada. Wuxuu ku macneeyay Salafiyada u noqosho dhaqankii ay iska lahaayeen Saxaabadii Rasuulka iyo labadii jiil ee ka dambeeyay. Asalka salafiyada waa in diinta Islaamka laga qaataa Kitaabka Qur’aanka iyo Axaadiista, loona qaataa siday u fahmeen asxaabtii iyo intii waddadoodii raacday. Waxaa xilliyadii dambe Soomaaliya la oran karayay waxaa nooleeyay fekerkaas Salafiyada Sheekh Nuur Cali Colow oo ahaa wadaad caan ah.

Macnaha Suufinimada

Suufinimadu3 waxay ka kooban tahay qaybo dariiqooyinka ka mid ah, waa Islaam haddii aannay la imman waxyaabo cad oo ka hor imanaya shareecada Islaamka. Waxay Suufinimadu baahday kolkii Alla ka cabsiga dadku daciifay, adduunya jacaylkuna xoogaystay, isla markaasna uu jihaadkii dowladaha Islaamku ku fidin jireen diinta aad u daciifay. Waxay caan ku yihiin xadrada (digriga), iyadoo qolo walbi cisaynayso si ay daraja sare (fiqi) u gaaraan dhinaca ruuxiga (awliyannimo). Suufiyadu ma ahan dariiqo ama diin gaar ah, amase mad-hab gooni ah ee waa dariiq qofku u marayo siduu Ilaahay ugu dhowaan lahaa, sida Suufiyiintu aamminsan yihiin. Waa la isku khilaafaa erayga ahlu Suufinimada. Dadka qaar ayaa ku sheega inay suufinimadu kasoo jeedday saxaabo masjidka Nebiga joogtay. Ibni Jawsi kitaabkiisa Talbiis Ibliis wuxuu ku sheegay in ay ka soo jeedeen Sufa Ibna Mara, ninkan oo hooyadii nidar ku gashay in ay suri doonto tiirka Kacbada markay dhasho si uu ugu go’o diinta, kolkaas ayaa loo bixiyay Suufi. Waxaa kaloo la sheegaa inuu suufi macna ahaan ka soo jeedo eray Giriig ah oo la macno ah falsafa.
Soomaaliya xilligii aasaaskii xisbigii SYL ayaa waxaa soo shaac baxay rabitaan ah qaar ka mid ahaa xubnihii aasaasay inay doonayeen inuu noqdo ururkaasi Jamciyad Islaami ah.4 Xubnaha waxaa ka mid ahaa Cabdiqaadir Sheekh Sakhaawaddiin oo isagu feker ahaan qabay in Soomaalida lagu midayn karo Jamciyad (urur) Islaami ah. Halka saaxiibkiis Yaasiin Cismaan Sharmaarke aamminsanaa in la aasaaso xisbi siyaasi ah oo Ummadda Soomaaliyeed u wada dhan tahay. Hase ahaatee urur Islaami ah oo Soomaalidu aasaasto waxaa ugu fac weynaa ururkii uu Xaaji Faarax Oomaar 1925kii ka aasaasay magaaladda Cadan ee dalka Yemen.

4. [Qoraal ay leedahay Safiya Abuukar Karaani, kana soo warisay aabbeheed]

[Jamaal Cabdinaasir iyo Shariif Maracadde]

Raabida Al-Islaamiya oo uu hoggaaminayay Shariif Maxamuud Cabdiraxmaan oo loo yaqaanay Maracadde ayaa waxaa laga dareemay ururkaas saansaanta Islaamiyiinta. Shariif Maracadde wuxuu ku dhashay Luuq 1904. Waxbarasho ayuu u tegey Masar. Ururkii SYL ayuu isaga baxay, wuxuuna aaasaasay Raabida Al-Islaamiya. Sababta ka tegistiisa SYL
ayuu ku macneeyay inuu aad u saluugay waxyaabo xisbigaasi aamminsanaa.
Wuxuu kaloo si wevn uga soo horjeeday gumeysigii Talyaaniga. Dhowr jeer ayaa loo masaafuriyay magaalooyinka Boosaaso iyo Baraawe. Waxaase kolkii dambe soo baxday in ururka Raabida Al-lslaamiya yahay mid huwanaa Waddaniyad Carbeed, Shariif Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa sannadkii 1952 si bareer ah u soo bandhigay waxyaabaha uu aamminsanaa ee Carabnimada iyo fekerka Naasiriyiinta ahaa. In kastoo Raabida Al-Islaamiya magac Islaannimo wadatay, haddana wuxuu ururkaasi noqday mid si weyn ugu dhowaa hoggaamiyihii hore ee Masar Jamaal Cabdinaasir oo aad loogu yaqaannay la dagaallanka dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiinka dalkiisa.
Sannadkii 1967 ayaa Muqdisho waxaa la aasaasay Jamciyad la oran jiray Al-Nahda oo ay horseed ka ahaayeen dhallinyaro wax ku soo baratay waddammada Carabta qaarkood sida Masar, Sacuudiga iyo Suudaan. Aasaasayaasha waxaa ka mid ahaa Sheekh Cabdiqani Sheekh Axmed, Sheekh Maxamed Axmed Garyare iyo Shariif Calawi oo ku xirnaa Ikhwaanul Muslimiinta Masar, Sheekh Maxamed Macalin Xasan oo isagu Masar ka soo noqday Febraayo 1968. Waxaa aad u kobcayay xilliyadaas raadka fekerka Ikhwaanku ku yeelanayay Soomaaliya. Dowladdii dalka ka talinaysay ee rayadka ahayd uma aysan muuqan mid faragelin ku haysay baraarugga dacwada oo ku jirtay xilligeedii indha kala-qaadka.
Wax ayaa la iska weydiin karaa dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiinka?
Ikhwaanul Muslimuun waa dhaqdhaqaaq Islaami ah oo soo shaacbaxay kolkay burburtay dowladdii ugu dambasay ee boqortooyadii Cismaaniyiininta, Maarso 1923. Waa dhaqdhaqaaq ku dheggan Islaamnimada, iyadoo Kitaabka iyo Sunnaha Rasuulka (scw) la raacayo.
Waxaa la aasaasay xarakada Ikhwaanka Abriil 1928, waxayna dunida Islaamka u soo bandhigtay in Islaamku yahay Diin iyo Dowlad.
Baraarujayaashii Ikhwaanul Muslimiinka Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Sheekh Cabdiqani Sheekh Axmed. Sheekh Cabdiqani Sheekh Axmed wuxuu ku dhashay gobolka Bakool 1935. Masaajidyada Soomaaliya ayuu wax ku soo bartay ilaa uu ka gaaray darajada sheekhnimada. Sannadkii 1951 ayuu tagay dalka Masar. Wuxuu ku biiray Jaamacadda Al-Azhar oo uu ka qalin jabiyay 1957 qaybta Shareecada, isla sannadkaas ayuu xubin ka noqday xarakada Ikhwaanul Muslimiinka Caalamka, dabadeedna dalka ayuu ku soo laabtay.
Sannadkii 1967dii Al-Nahda waxaa madax looga dhigay Sheekh Cabdiqani Sheekh Axmed. Wuxuu ka shaqeeyay Wasaaradda Waxbarashda, Garsoorka iyo Jaamacadda Ummadda oo uu macallin ka ahaa. Wuxuu noqday Waasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta 1970kii. Dabadeed waa laga qaaday xilkaas markii ay is khilaafeen madaxdii dowladda Kacaanka. Muddo dheer ayuu xabsiga ku jiray ilaa uu uga haajiray dalka Kuwayt, halkaas oo uu ka shaqayn jiray Mowsuucada Fiqiga Islaamka ilaa uu ka geeriyooday l7kii Agosto 2007dii.
Al-Nahda waxaa saldhig u ahaa maktabad lagu akhristo kutubta diiniga ah ee la jaan-qaadaysay dhaqdhaqaaqa guud ee Islaamiyiinta. Kutubta maktabaddaasi dalka soo gelisay waxaa sabab u ahaa qoraal uu Sheekh Maxamed Axmed Garyare u diray Sheekh Manna Al-Qataan oo ay isku yaqaanneen Sacuudiga, ahaana Sheekhii ku daray xarakada Ikhwaanka. Sidoo kale Sheekh Cabdiqani Sheekh Axmed kolkii uu booqday dalka Kuweyt, dabayaaqadii lixdamaadkii wuxuu la kulmay ragga ugu waaweynaa Ikhwaanka Kuweyt oo uu ka mid ahaa Yuusuf Xiji iyo Cabdalla Mudawwac. Guud ahaan waxay cullimmadaasi ugu deeqen Al- Nahda kutub farabadan oo dhinaca baraarugga u janjeertay. Kutubta lagu akhrisan jiray oo taallay maktabaddaas waxay u badnaayeen kuwa ay qoraan ragga hormuudka u ahaa Ikhwaanka sida Xasan Al-Banna, Abul Aclaa Mawduudii iyo Sayid Qudbi, waxayna ahayd halka loo soo mariyo shacabka Soomaalida baraarugga Islaamka.

Islaamiyiinta Soomaaliya waxaa raad ku lahaa Ikhwaanul Muslimiinka Masar, waxaana xubin ka noqday Sheekli Maxamed Axmed Garyare7 oo ku dhashay 1935kii Dhagaxbuur, dugsi Qur’aanka ayuu ka galay. Wuxuu noqday xer, ka dibna wuxuu aqoon diineed u tegey boqortooyada Sacuudiga, waxbarasho ayuu ka galay Machadka Riyaadi Cilmi, wuxuuna ahaa qofkii ugu horreeyay Soomaalida oo waxbarashana ka billaaba Jaamacadda Madiina Al-Munawwara. Dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiinka Masar ayuu ku biiray 1962dii. Kusoo noqoshadiisii Soomaaliya wuxuu ku shaqeeyay La-Taliyaha Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Diinta. Waxaa xilligaa muuqanayay inuu guntanaa xiriir mug weyn oo u dhexeeyay Ikhwaanka Guud iyo Ikhwaanka Soomaaliya oo ku jiray waqtigaas socod barad. Sheekh Maxamed Garyare mar uu waraysi siiyay shabakadda Soomaaliya Maanta (somaliatoday) wuxuu xaqiijiyey inay Al-Nahda qaab Ikhwaan lahayd.
Kooxda Ansaarul Sunna Al-Muxammadiya oo salka ku haysay salafinimada waxaa madax u ahaa Sheekh Nuur Cali Colow. Ururkani wuxuu xanbaarsanaa markasta fekerka salafiyada. Gabyaagii Cismaan Yuusuf Keenadiid ayaa xilligii ay soo if baxeen Islaamiyiintu dabayaaqadii kontomaadkii, ka tiriyay tixo gabaygiisii caanka ahaa Yaw Garniqi Doona oo uu malaha markaas ula jeeday wadaadka Sheekh Nuur Cali Colow iyo raggiisa oo iyagu afkaarta salafiyiinta la yimid waddanka, waxaana ka mid ahaa tuducyadii gabaygiisa:

Muslinkii gumaysiga ku jiray garay xumaantiiye
Guhaad iyo wuxuu wada qabaa gayrashiyo ciil e
Giddigii Islaamkii hadduu gees isugu leexday
Iyo gaaladaynu ogsoonahay yaw garniqi doona?
Culumadii gadaalkan waxaa galay khilaaf weyne
Geyigana Dariiqooyin baa goosan ku ahaaye
Khaliifyadatan guutada wata iyo calanka giirgiiran
Iyo gabannada soo baxay dhowaan yaw u garniqi doona?

[Sheekh Nuur Cali Colow]

Sheekh Nuur Cali Colow siday dad badani qabaan wuxuu ahaa horseedaha salafiyada Soomaaliya ee qarniga 20aad, ninka bilaabay aragtidaas, isla markaasna aabbaha u noqday baraarugga Islaamka Soomaaliya. Waa lagu dhibay oo lagu dhaleeceeyay fidinta afkaarta Salafiga ah. Gaalkacayo ayaa lagaga kacay waqti dad aad u yari fahansanaayeen baraarrugga Islaamka. Xarakada Salafiyada ee uu madaxda ka ahaa dadka dhaliilaa waxay ugu yeeraan Wahaabiya oo ay ku lamaaniyaan Sheekh Maxamed Cabdiwahaab iyo fekerkiisii Salafinimada.

Ceelka

Bari hore, ayaa waxaa jiray afar qoys kuwaas oo ku noolaa tuulo yar oo Soomaaliya ku taala. Qoyska koobaad way murmaan maalintii oo dhan, qoyska labaad waxuu aah ku honguri wayn, qoyska sadexdaad waxay badanaa kaga maqanyihiin tuulada sahamin sababtoo ah waligood kuma ayna qancin waxa ay haysteen ama meesha ay ku noolaayeen. Laakiin qoyska afraad waxuu ahaa mid dagan oo samir leh, waxayna ku raaxaysteen noolasha dhextaala bulshadooda yar.

Habeyn, gabadha qoyska sadaxaad ayaa u baxday sahamin markii ay heshay ceel ku qarsoon geedo dhexdood duurka. Gabadhii waxay si dhakhso ah oogu soo noqotay qoyskeedii waxaynaa u sheegtay ceelkii sidaa darteedna waxay bilaabeen inay biyahooda ka dhaansadaan ceelka.

Ma ayna fogeyn goortii ay maqleen qoysaska kale warka ceelka, waxayna si dhakhso ah afarta qoysba ka dhaansanayeen biyahooda ceelka ilaa uu ka gudhay.

Tani waxay sii socotay muddo, waxayna ahayd mid muuqata in biyaha ceelka ay sii yaraanayeen, wali qoysna ma rabo inuu joojiyo isticmaalidda ceelka maadaama uu ku dhawyahay tuulada waxaana laga waday taas inayna u dhaqaaqin inay helaan biyo kuwaas ooy u isticmaalaan inay cabaan ooy ku karsadaan ooy isku nadiifiyaan.

Maalin, ayaa nin garaad ah, kaasoo badanaa ogaada siraha ceelka, ayaa qoys kasta la hadlay. Garaadku waxuu u sheegay, ‘Caawa waa inaad joogtaan guryihiina. Waa in iidna ka dhaansan ceelka habeenka oo dhan, qaabkaas biyuhu waxay heli doonaan wakhti ay ku soo maaxdaan.’

Qoys kasta waxuu oggolaaday inuu ka joogo ceelka, gaar ahaan sida uu garaadku oogu digay in la marin doono ciqaab daran qoys kasta oo u hogaansami waaya sharcigan.

Laakiin markii habeenku madoobaaday, wiil qoyska koobaad kama hor imaan booqashada ceelka asagoo doonayay inuu hubiyo inuu helo biyo buuxa maalinta soo socota sidaa darteed qoyskiisu iskuma khilaafin kaasoo u galayay socdaal dheer ceelka caadiga ah ee ay isticmaalaan dadka kale ee tuulada. Waxuu aaday ceelka asagoo xanbaarsan labo haamood oo waaweyn wuuna ku buuxiyay labadoodiiba xagga sare inta uuna ku soo noqon gurigiisa wuxuuna ku qariyay haamaha meel aan laga arkeynin.

Mar aan sii fogeyn, sidoo kale wiilka qoyska labaad ayaa aaday ceelka waxuuna ka buuxiyay labo haamood oo waaweyn xagga sare maadaama uu ahaa mid hunguri badan waxuuna u rabay biyaha qoyskooda oo kaliya.

Ka dib sidoo kale gabadha qoyska sadexaad waxay aaday ceelka maadama ooyna khilaafsanayn sahaminta habeynkii waxaana macquul ahayd inay ahayd midda heshay ceelka markii oogu horeysay sidaa darteed waxaa lahaa qoyskeeda kaasoo u qalmay biyaha dheeriga ah inkastoo uu soo jeediyay digniin garaadka.

Maalintii xigtay, garaadku waxuu booqday ceelka waxayna ahayd mid murugo leh in la helo in uu gabi ahaan gudhay. Waxuu sugay ilaa uu ka ogaaday in dhamaan qoysasku aay ka baxeen guryahooda, hadaba waxuu booqday guri kasta si xidhiidh ah.

Guriga koobaad waxuu ka helay labo haamood, mid ka mid ah way madhnayd, laakiin ta kale waxaa ka buuxay biyo laga soo xaday ceelka. Markii uu booqday guriga labaada iyo kan sadexaad sidoo kale wuxuu helay haamo biyo ah oo ku qarsoon meel qofna ka arkayn. Laakiin markii uu booqday guriga afraad waxuu helay in ay haamuhu qalalanyihiin waxuuna yaqiinsaday in qoyska samirka leh ay xalay oo dhan gurigooda joogeen. Waxay u hogaansameen digniintiisa waxayna iska daayeen ceelka sidaa darteed biyuhu way soo maaxan karaan markale.

Garaadku waxuu oogu yeedhay dhamaan afarta qoys goobta kulanka ee tuulada asagoo u soo jeediyay arintii ceelka. ‘Dhamaan sadexdiina qoys waxaad ka xadeen ceelka biyo anoo xataa idiin sheegay inaan la sameyn,’ ayuu ku yidhi garaadku hadal kulul. ‘Waan ogaaday tan sababtoo ah waxaan booqday guryihiina saaka waxaanan helay haamo biyo ah. Maadaama ood diideen amaradaydii waxaa laydinku khasbi doonaa si ganaax ah inaad joogtaan guryihiina soddon maalmood iyo soddon habeyn cunno ama biyo la’aan. Waxaan rajaynayaa in aad xilligan ka fakiri doontaan khaladka aad sameyseen.’

Qoyska afraadna waxuu ku yidhi, ‘Waxaad u hogaansanteen talooyinkaygii waaxdna joogteen gurigiina xalay oo ma iidna tagin ceelka. Qaata warqaddan oo fura marka aad tagtaan gurigiina.’

Qoyska afraad waxay qaateen warqadda waxayna ku noqdeen guriga. Markii ay fureen warqadda waxaa jiray gudaheeda khariidad. Qoyska waxay raaceen tilmaamaha khariidadda socdaal maylal badan ah ka dibna waxay heleen ceel ay ku xeendaabanyihiin geedaha midhaha leh oo badan iyo dhirta qudradda ah. Waxaa jiray cunno iyo biyo ku filan qoyska cimrigooda oo dhan!

Qoysaskii lagu ganaaxay inay joogaan guryahooda cunno iyo biyo la’aan waxay barteen cashar lama ilaawaan ah maalintaas. Waxay barteen in ay marwalba ay wanaagsaneyd in la maqlo talooyinka odayaasha oon la sameynin waxyaabo marka laguu sheego inaadan sameyn. Waxay kaloo yaqiinsadeen in qoyska afraad lagu abaal mariyay samirkooda iyo u diyaar noqoshadooda inay raacaan sharciyada taasoo bulshada faa’iido u leh.