Yearly Archives: 2014

Qeybta 2aad

Wax yar ka dib ayuu boqorkii soo fuulay faraskiisii oo uu hor kacay ciidankii, deeto ay ka baxeen irriddii weynayd ee magaalada, Boqorka waxa daba socday Amuba oo fuushanaa gaadhifaras uu wadey nin dheer oo xoog weyni. Ninkaa askariga ihi wuxuu sitay gaashaan weyn oo ballaadhan oo lagu talo galay inuu inanka boqorka dhufays uga dhigo gantaalaha iyo warmaha cadawga. Boqorka ayaa ku amray ninkaa, in aanu marnaba u oggolaan inankiisa in uu safka hore ee ciidanka isku soo maqiiqo.

Wuxuu yidhi Boqorku, “Amuba fulaynimo kuma ogi; hasa yeeshee weli waa inan yar oon u bislaan dagaalka. Sidaa awgeedna kama hortagi karo askarta dagaalyahanada ah ee reer Masar. Haddii an anigu dhintona wuxuu noqon doonaa boqorka reer Reebu, markaa nolashiisu waa qaali.” Deeto intuu jaleecday askarigii Amuba u waday gaadhi faraska ayuu yidhi, “Waa in aad inankayga sida inankaaga oo kale u ilaalisaa. Hana ka ogolaanin haddii uu ku yidhaa iga horgee cadawga.”

Halkii buu markaa ciidankii Reebu u ambabaxay goobtii uu cadawga kaga hor tegi lahaa. Ciidankii oo lug ku socdo, fardoolay, iyo gaadhi farasba isdaba sunsumaya. Goor ay maalintiiba dabayaaqo tahay oo cadceeddii sii dhacayso ayaa waxa ciidanka hortiisii ka soo muuqday nin ilaalo ku maqnaa oo faras ku jooga oo xaggoodii u soo ordaya. Ninkii baa deeto markuu soo dhawaaday, intuu boqorkii hor yimid uu faraskii ka degay warkii uu la ordayey dhiibay. Warkaasi wuxuu noqday in ciidankii Masar uu socodkoodii maalintaasi u dhammaaday oo ay hadda u qalqaalanayaan degmadii ay habeenkaa ku baryi lahaayeen.

Boqorkii warkaa isaga ah aad ayuu ugu riyaaqay, sababta oo ah ciidankiisu weli muu gaadhin goobtii ugu habboonayd in ay cadawga kaga hortagaan. Midda kale dib u dhacaasi wuxuu siinayaa waqti ay askartiisu ku nastaan. Taasoo u suuro galinaysa in ay dagaalka lama huraanka ah ee subaxnimada dhici doona ay ugu diyaar noqdaan.

Boqorkii markaa wuxuu ciidankiisii ku amray in ay socdaalkii joojiyaan oo ay goosan goosan u degaan; isna, intuu koox abbaanduulayaal ah kaxaystay ayuu u baxay halkii uu dagaalku ka dhici lahaa, si uu u soo kormeero sida ay meeshu tahay. Wax yar markay socdeenba waxay ku soo baxeen laag yar oo biyo maraan, meesha isla maalmahaa ayuu roob helay oo laagta labadeeda daanba waxay ahaayeen dhul dhiiqo ah oo mariddiisu adag tahay, waayo fardihii ay boqorka iyo kooxdii uu watay fuushanaayeen ayaaba degi gaadhay dhiidhi darteed. Halkaa wuxuu ka qiyaas qaatay in ay gaadhifarasyada cadawga ku dhib noqon doonto sida ay uga soo tallaabi lahaayeen laagta iyo labadeeda daanba. Xagga midigta waxa laagta ka xigay kayn jiq ah. Xagga bidixdana, ilaa qiyaastii hal mayl, waxa kaga yaallay tuule yar. Waxa halkaa uga muuqatay boqorkii in labada meeloodba ciidan yari ilaalin karayaan. Sidaasina waxay u suuro gelinaysaa in ciidan weynaha laagtu dhufays u noqonayso, labada geesoodna ay tuulada iyo kayntu ka xigaan; sidaa darteedna aanay u suurtoobayn in cadawgu dhanaba ka soo hareereeyo.

Sidaa markuu boqorkii isha uga buuxsaday goobtii uu dagaalku ka dhici lahaa ayuu dabadeed ku soo laabtay halkii ciidan-weynuhu degganaa. Wuxuu halkii yimid ciidankii oo degay oo nasasho nin walba lugaha fidsaday. Isaga, naf-ahaantiisu wuxu iskaga baahnaa waxoogaa iskala-bixin ah inta ka horraysa subaxda iyo dagaalka lama-huraanka ah.

Halkaasuu deeto hurdo foojignaani ka dambayso seexday isaga oo labiskii iyo qalabkii dagaalkaba gashan. Mar mar, faras danano iyo qar-jafta cagta askarta gaadhka haysa ka sokow, waxa sida habeenkii uunka u qariyey, u wada gaadhay, xasiloonaan iyo sanqadh la’aan. Qun yar qun yar ayuu habeenkii u siqay oo waagii ayaa soo dhawaaday. Markuu diiqii u horreeyey ciyey ayuu boqorkii hurdadii ka toosay; isla markiibana wuxuu toosiyey abbaanduulayaashii ciidanka waxanu amar ku siiyey in ay askarta u hor kacaan ilaa meelihii maalintii hore ay soo calaamadsadeen. Markaa, iyada oo weli dunidii mugdi tahay ayaa ciidankii isdaba galay oo u sunsuumay ilaa goobihii calaamadsanaa.

Waxa ugu horreeyey, oo saf ballaadhan galay ciidankii qaansalayda ahaa oo iyaga loogu talagalay in ay laagta qarkeeda ku diyaar ahaadaan, si ay isu-hortaagaan haddii gaadhi faraslayda cadawgu damacdo in ay laagta ka soo tallowdo. Gadaashooda waxa galay colkii warmoolayda ahaa oo iyana u diyaar ah haddii weerarka cadowgu aad u kululaado in ay caawiyaan qaansalayda. Gadaal oo colka xaggiisa dambe ah wax meelo yar taagsin ah iyaga oo koox koox u taagnaa heegan ku ahaa gaadhi-faraslaydii oo haddii ay cadowga u suurtowdo in ay ka soo tallabaan laagta u diyaar ahaa in ay wax xille tusaan.

Tabaabulshahaa la yaabka leh markuu ciidankii reer Reebu dhamaystay ayaa qacdii u horaysay ee waaguna bari ka dilaacday. Boqorkii ayaa markaa taagsin dheer oo xagga danbe ah u baxay waxanu sheedda ka arkay siigada iyo boodhka ka soo baxaya halka ciidanka Masar ka soo gaarufanayo. Deeto intuu wiilkiisii oo ag taagnaa sidaa u jaleecday ayuu ku yidhi, “Hadda waxa inna haya waqtigii ay naftaadu sida yaabka leh ugu ciilanayd. Siigadaa cirka isku shareertay waxa soo kicinaya ciidankii ciidan innagu soo duula kii ugu weynaa inta madaxaygu saan lahaa. Aniga imika xilka i saarani waa in aan dhabbada cagta saaro oo aan colkeena u horkaco dagaalka ee xusuusnow aabbo inkasta oo geesinimo dirirku xaal rag yahay, haddaan dhinto inaad tahay boqorkii dadkeenna.”

Erayadaa tiiraanyada leh markuu yidhi ayuu boqorkii faraskii jug siiyey oo u kadleeyey xaggii safka hore. Markan iyo haatan cadceeddii ayaa fudh soo tidhi oo ciidankii reer Reebu waxay durba ka dhex arkeen siigadii meesha fog ka soo baxaysay laxaadkii ciidankii Masar oo hab weerar u soo siqaya – fardoolay, lug-ku-socoto iyo gaadhifaras – ilaa ay hadba qaansalaydoodii laagta dacaalkeedii shishe soo ba gaadheen.

Boqorkii baa deeto amar ku bixiyey in ay qaansalaydu kiciyaan weerarka. Iyana markii ay heleen amarkii ay sugayeen ayey falaadh roobka kaga dhigeen ciidankii soo darhanaa ee Masaarida. Dhibicaa lama filaanka ihi dib ayuu u qabtay cadawgii, ha ahaatee dib-u-qabashadaa yar ee cadawga ku dhacay wax badan uma kordhin qoladii reer Reebu: waayo Masaaridu way ka qaansooyin waaweynaayeen oo falaadhoodu meel dheer bay gaadhaysay. Markaa markiiba waxaa loogu soo jawaabay duufaan falaadha ah oo halkaa isla qacdiiba waxa ku qudh baxay rag reer Reebu ah oo aan yarayn.

Boqorkii, oo ciidan yaraan awgeed aan in nin kali ka khasaaro oggolayn, baa markaa amar ku bixiyey in safka hore dib u soo kaco si ay uga yar durkaan halka fallaadhaha cadowgu ku beegan yihiin. Halkaa markay marayso ayaa labadii ciidan yara kale maageen; iyada oo midba ka kale u tirrisayo.

Qeybta 1aad

Beri ayaa waxa jiri jirtay maagaalo weyn oo ku taalay xeebta galbeed ee badda Kasbiyan. Magaalo may ahayn sida kuwa aynu maanta naqaan. Guryaheeda badidoodu waxay ahaayeen carshaan. Jidadkooduna waxay ahaayeen kuwa aad u yar yar oo cidhiidhi ah; giddigoodna waxay ku dhammaan jireen bannaan weyn oo ku yaallay magaalada badhtamaheeda.

Bannaankaa weyn waxa ku wareegsanaa dhawr derbi oo waaweyn oo dhagax ka dhisan. Mid guryahaa ka mid ah waxa ku noolaa boqorka. Boqorkaasina wuxu ahaa ninka xukuma dadka magaalada iyo hareeraheeda ku noolaa oo la odhan jiray reer Reebu. Guryaha kale ee daaraha ah ee ka boqorka ku ag yaallayna waxa ku noolaa wasiirrada, abbaanduulayaasha ciidanka boqorka iyo wadaaddada. Magaalada waxa ku wareegsanaa derbi weyn oo ka celin jiray weerarka cadawga.

Muddo haatan qiyaastii seddex kun oo sanadood laga joogo, maalin qorraxdu aad u kulushahay, ayaa waxa bannaanka weynaa ee magaalada badhtankeeda ku yaallay, iska soo buuxiyey dad aad u badan. Rag iyo dumar wixii magaalada ku noolaa ayaa ka soo jabay carshaantii ay ku noolaayeen oo isugu soo baxay bannaankii, iyaga oo aad gurxanka iyo qaylada yaabto.

Aragtidaa yaabka leh, waxa kale oo dheeraa iyada oo kolba kolka ka dambaysa ay guutooyin fardoolay ihi soo marayeen jidadkii yar yaraa ee magaalada iyaga oo u socda xagga faras-magaalaha. Dadku fardoolayda ayey joojinayeen oo waydiinayeen waxay waxaan oo askar ihi ugu socdaan xagga guriga Boqorka.

Fardoolayda gadaashooda waxa daba socday guutooyin is daba jooga oo ah ciidankii lugta, kuwaasoo ku gaadhan gaashaanno, fallaadho, qaansooyin iyo warmo. Waxayna gashanaayeen labbis iyo diracyo ka samaysan haragga wiyisha. Iyagana waxa daba socday abbaanduulayaashii ciidanka oo fuushan gaadhi-farasyo; iyaguna waxay gashanaayeen diracyo ka samaysan bir iyo naxaas u dhalaalaya sida dahabka.

Tolow waa maxay isbeddelkan la yaabka leh ee ka dhacay magaaladii yaalaa lagu yiqiin degganaanshaha iyo xasiloonaanta? Inkasta oo dad badani malaynayeen in magaaladoodii halis ku jirto, haddana wax runtii su’aashaa ka jawaabayey ma jirin.

War waa la yidhi baa la yidhi ahaa, wuxuu sheegayey in col dal fog ka soo kicitimay uu magaaladooda ku soo socdo. Taasina wax u xaqiijiyaa ma jirin; waxayna sahadinayeen in colkaasi awaashu meel kale foodda u saarto oo Ilaahay magaaladooda uga duwo. Waxase aad u yaab galiyey askartoodan jidadka socota ee xagga guriga boqorka u sunsumaysa. Waxaana dadkii ku dhalatay shaki ah: in malaha colka la sheegayaa run ahaantii magaaladooda soo weerarayo. Askartan iyagu lallabaha dagaal in ay u heensaysteen la moodaa, iyaga naf ahaantoodu wax war rasmi ah oo ay dadweynahan yaabban ku kordhinayeen ma jirin; sababta oo ah iyaga laftooda ayaan ka warqabin. Amar ayey qabeen kaliya in ay bannaanka guriga boqorka ku soo hor ururaan.

Boqorkii Reebu, isagu waxa uu ayaama badan fadhi rasmi ah u fadhiyey barsad weyn oo gurigiisa weyn ku taal. Waxa halkaa hareeraha ka fadhiyey boqorka la taliyaashiisii ugu waaweynaa oo ay ka mid ahaayeen abbaanduulayaashii sar sare ee ciidanka, wasiirradii iyo wadaaddadii diinta. Maalinba maalinta ka dambaysa ayaa ilaalada uu diraa ay keeni jireen warar xaqiijinaya in colka la sheegayaa run ahaantii ku soo socdo dalkiisa. Ciidankaasina yahay ciidankii Boqorka Masar. Fadhigaana boqorka  iyo lataliyayaashiisu waxay ku arinsanayeen siday, kol haddii la xaqiijiyey jiritaanka cadawga, ay uga hor tegi lahaayeen.

Boqorka Reebu, wuxuu ogaa sida xoog iyo xoolaba uu u lahaa Boqorka Masar. Waxa kale uu ogaa sida goobta uu ka dagaalamaba u isagu guusha ugu qaadanayey. Boqorka Masar marka iyada ah wuxuu weerar ku soo jiiday waddanno badan oo u qabsaday, kumanyaal dadkoodiiyana intuu qoorta ka wada xidhay oo uu addoon ka dhigay, Masar geeyey.

Boqorkii Reebu ayaa talo ku ceegaagtay. Tolow, ma markii isna la qabsan lahaa ayaa gaadhay? Ma dadkiisaan masaakiinta beeralayda iyo kalluumaysatada ah ee nabadda jecel ayaa berri addoon Masar loo sawaaqiyo noqon doona? Run ahaan markuu aad u fikiro wuxuu caqligiisa ka helaa in ciidanka Masar kiisa ka weyn yahay kana xoog weyn yahay, askarta Masarna tiisa ka hub iyo qalab wanaagsan tahay. Waxaasoo dhami ha jiraan, haddana waxa la yidhi: Rag ciil cadaab ka dooray – waxa la qadhaadhaatay Boqorkii Reebu in berri isaga iyo dadkiisu Masar addoon ka noqdaan. Waxanu sidaa darteed ku goostay in ilaa ninka u danbeeyaa dhimanayo u dagaallamo si uu nasiib darroda ku dhacday dalalkii ka horreeyey uga nabad geliyo dalkiisa.

Markaa iminka iyo haatan waxay Boqorkii iyo saraakiishiisii taladood noqotay — falaqayn iyo qorshayn — siday magaalada iyo dadkeeda u difaaci lahaayeen. Intaa ay iyagu foodda iskula jireenna, waxa bannaankii ka baxaysay buuqii iyo qayladii dadkii kolba gees iskugu jabayey, iyo dhawaaqii madaxda amraysay, iskuna dubbaridaysay askarta.

Boqorka halkaa u fadhiyey waxa gadaashiisa taagan wiilkiisii oo la odhan jiray Amuuba oo ahaa inan shan iyo toban jir ah. Amuuba, fadhigan barsadda aabbihii iyo madaxdu fadhiyaan wax xiiso gaar ah uma lahayn; inkasta oo uu u labisnaa sidii nin askari ah oo dagaal u diyaar ah. Isaga dagaalku waxa kaliya uu u ahaa isaga oo cadawga ay iska hor yimaadaan; waxanu markaa aad ugu hiyikacsanaa in hadalku dhammaado oo dagaalka dhabta ah la galo.

Markii u cabbaar odayaashii dul taagnaa, ee uu arkay aabihii oo dhabanada haysta oo talo ku caddahay ayuu qun yar siibtay oo ka baxay qolkii. Halkii buu bannaan yar oo guriga ku dhex yaallay intuu ka gudbay u tallaabay qolalkay hooyadii ku jirtay. Waxay ahayd dhismo weyn oo lagu kala qayb qaybiyey daahyo waaweyn oo ka samaysan harag si fiican loo qurxiyey.

Daahyadii ayuu mid iska laabay oo wuxuu galay qol ka mid ah uu arkay hooyadii oo murugo dhabannada la haysata; sababta oo ah boqorka ayaa iyana u sheegay halista dalka soo foodsaartay; waxaanay baqa weyn ka qabtay in dagaalka soo socda wiilkeeda iyo odaygeedaba ku waydo.

Waxay aragtay inankeedii sida uu heeganka u yahay iyo sida ay xamaasadda iyo firfircoonidu uga muuqato; doonayana in uu qof walba tuso in aanu hadda ahayn wiil yar ee uu yahay askari geesi ah oo ka mid ah ciidanka aabbihii, ayaa inta wajigeeda tiiraanyadii ka yar duushay, ay dhoosha yar caddaysay.

“Waxay ila tahay, hooyo, in ay waxaan oo hadal iyo talo ah iska dhaafaan,” ayuu yidhi Amuba, “Maxaa ka macna ah, halkayn ku dagaalanaaba waa halkii kalee. Imika, bal eeg aabbahay iyo lataliyayaashiisu maanta oo dhan bay murmayeen; goor dhaw uun baanay go’aan ku gaadheen halka ciidankeennu kaga hortagayo cadawga. Waxay leeyihiin oo isla garteen inay noqoto meel shan iyo toban mayl innoo jirta. Bal eeg, meeshu waa meel innaga iyo cadawga ay u dhexaynayso meel biyo fadhiisin ah oo dhiiqo ah; si ay ugu adkaato gaadhi farasyada cadawga in ay ka soo gudbaan. Bal, haba ahaatee, haddaanu cadawga na soo gaadhi karayn sidee baannu anagu u gaadhaynaa. Waxaan jeclaan lahaa in madaxdeennu ku taliyaan in lagu kulmo meel bannaan, si cadawga gacanta la iskula tago.”

Hooyadii baa intay yar ilkacaddaysay ugu jawaabtay, “Waan ogahay, hooyo, sida aad ugu ciillan tahay in ad dagaalkaagii ugu horreeyey gasho; hase yeeshee, ciidanka Masar oo keenna ka xoog weyn awgeed, waxa habboon oo dhib yar in aynnu magaallada ku difaacno ciidan yar, halkaynnu inagu weerarka ka bilaabi lahayn. Waxa jirta in aynaan u bir dhigi karayn qalabkooda. Gantaalahoodu waa kuwo gaashaan kasta oo adag ka kudaya; halkaynnu inagu ka haysano hal gaadhi farasba waxay iyagu keenayaan saddex amaba afar. Markaa si aynnu iskaga xajinno waa in aynnu tabaha aan kula dagaalami karno oo dhan ka fikirnaa.”

“Ha yeeshee Hooyo,” ayuu la soo booday Amuba, “Ciidankeennu waxay u dagaalamayaan in ay difaacaan guryahooda, xaasaskooda iyo carruurtooda. Hubaalna waxa ah in nin walba oo ciidankeenna ka mid ihiba uu dagaalami doono ilaa uu ka dhimanayo; oo aanu ninna ogolaanayn in addoon laga dhigo.”

“Haa! Hooyo, waa runtaa. Waxanan hubaa in ay sidaa yeeli doonaan. Waxase jirta, hooyo, inaad tahay inanka kaliya ah een leeyahay. Waxanad xusuusnaataa inaad weli wiil yar tahay oo aan gaashaan qaad ahayn. Markaa, hooyo iska jir cadawga oo aad ha isku bandhigin. Ma malaysan karayo adiga oon ku waayo e,” ayey tidhi.

“Waxba ha ka wal walin, hooyo,” ayuu laabta ugu qaboojiyey, nabad qab ayaan kuugu soo noqon doonaa, marka aannu ka caydhino ciidanka cadawga dalkeenna. Sug! Waxaan u malaynayaa in aabbahay iyo qoladii dhameeyeen tashigii; waayo waxan arkayaa iyaga oo barsaddii shirka ka soo baxaya.”

Boqoraddii dabeeto intay kacday ayay inankeedii laabta ku qabatay oo dhunkatay, “Soco hooyo,” ayuu ku dhawaaqay, deetana dibaddii buu u cararay.

Bisaddii Bubaysta

G. A. Henty
Joorji Alfreed Heenti

Waxaa tarjumay oo fududeeyey:
Xasan Aw-Daahir Qaalib

Muqdisho, 1976


Tusmo

Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeybta 3aad
Qeybta 4aad
Qeybta 5aad
Qeybta 6aad
Qeybta 7aad
Qeybta 8aad
Qeybta 9aad
Qeybta 10aad
Qeybta 11aad
Qeybta 12aad
Qeybta 13aad
Qeybta 14aad
Qeybta 15aad
Qeybta 16aad
Qeybta 17aad
Qeybta 18aad
Qeybta 19aad
Qeybta 20aad
Qeybta 21aad
Qeybta 22aad
Qeybta 23aad
Qeybta 24aad
Qeybta 25aad
Qeybta 26aad
Qeybta 27aad
Qeybta 28aad
Qeybta 29aad
Qeybta 30aad

Dixdhagaxeed

Gabaygaan waxaa tiriyey Abwaan Suldaan Tima-Cadde 1967kii, mar ay gobollada waqooyi ee Soomaaliya dagaallo sokeeye ee qabyaaladeed ka dhaceen, wuxuuna ku tusayaa sida uu Tima-Cadde uga xoroobay qabyaaladda uguna hanuunsanaa Midnimada Ummadda Soomaaliyeed, Cabdulaahi Suldaan wuxuu qabyaaladda ka necbaa ma jirin, waxaadna ka arki kartaa gabaygaan soo socda. Wuxuuna yiri:

Sida roob kaliil hore da’ay oo dunida maansheeyey,
Oo dagalkii geedaha ka baxay dow la garan waayey
Oo duunyo lagu soofiyayoo lagu dabbaalaayo.
Anna gabayga waan daajiyaa sida dir cowleede
Dadka waxaan ogeysiinayaa dowgu suu yahay e,
Soomaalidayaday wanaag idinka doorsoonye
Docdaa bari dareeriga baddiyo Saylac darafkeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa webiga daaciisa,
Degmadiina oo idil haddaan dayey abwaagteeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye
Dulmi iyo dhac waa waxa qaribay degelediiniye.
Dul iyo hoosba waan ugu dhigee waa dix dhagaxeede,
Anuun baan damqanayee dheguhu uma dalonaale
Dadkaan la hadlayaan leheyn dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray
Wixii horey u soo daashaday dagashanaysaaye
Doqonnimo kugu baahday baan cidi dabiibayne
Duulkii inkaar qaba jinbaa daasadda u tumo e,
Dab markuu baqtiyo meel kaluu dogob ka qiiqaaye,
Waagii dillaacaa naxdimo dihin la sheegaaye,
Doc hadday u wada jeesatooy dhowrto danaheeda,
Ooy duul walaalo ah tahay oo duunka ka heshiiso,
Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye
Dubbe madaxa ways kala dhacnaa daa’in abidkeene
Goortay is wada dooxatay baa daad u soo galay e,
Ubixiinii waad daadiseen waadna dubateene
Dubaaxdiisii waad wada canteen duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliday waa lagaa daday e,
Darajada Ilaahey ninkii doonayaa hela e,
Nin ka duday distoorkiyo waxyiga diinta ka carowye
Haddaynaan xumaantiyo dilkiyo deynin qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe
Dambarkeedu waa jahannamiyo dogobkii naareede
Der-der laysku leeyiyo intaan weerar daba joogno
Oo dumarku weerkii sitaan danabyadii waayey
Debec yaa lahaayey intaa isugu duulayno
Oo sida dareemada u yaal meydka dabadeeda,
Kolla doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane.

SHARAXA EREYADA

Kaliil: qorax kulul.
Abwaagteeda: aqalkeeda.
Degeladiiniiye: degmooyinkiiniiye.
Dalfoof: damaan ama doqon.
Dabiibeyne: daweyneyne.
Dix-dhagaxeed: dhagax adag oo aanay biyuhu ka dusi karin.
Duday: carooday.
Dambarkeeda: liskeeda.
Weer: hengef ama asaay.
Debec: hal magaceed.
Danabyadii: geesiyaashii.

WEYDIIMO

1. Yaa tiriyey gabaygaan, goormuuse tiriyey?
2. Maxay aheyd ujeeddada uu abwaanku gabaygaan u tiriyey?
3. Sharax tuduca labo iyo tobnaad?
4. Muxuu ula jeedaa marka uu leeyahay, “Waagii dillaacaba, naxdin dihin la sheegaaye”?
5. Si qoto dheer u sharax tuduca 31aad?

Qaali Waxaad Tiraahdaa

Waxaa la yiri: gabar ina Sayid Maxamed ah oo la oran jiray Qaali ayaa aabbaheed horey u arki wayday, dabadeedna farriin bay waxay u fartay eeddadeed Jamaad Sheekh Cabdulle oo walaalkeed Sayid Maxamed u yeeray, waxayna tiri:

Jamaadey ayeeyooy, erey yar ma iga geysaa?
Caaqilow adoogey, caaway ma iigu sheegtaa?
Mise waan cawdaayoo, cid kalaan u yeedhaa?
Maro waan qabaaye, qalbigaygu wuxuu rabo
Baftadii caddeyd iyo subeeciyadii guduudneyd,
Ma sheekh baan u leeyahay,
Markay kaanta wayn iyo, marbuucdaanan dooneyn.

Sayidka markii hadalkaasi loo sheegay wuxuu gabadhii u mariyey gabaygaan soo socda, wuxuuna yiri:

Qaali waxaad tiraahdaan, qowlkaagii ii yimid,
Dharkaadu qawadaysiyo, qalbigaagu wuxuu rabo
Qaddar Eebbe mooye, qeyb waa lagaa siin
Qurxi hadalka aad tiri, qarba-boosh ma fiicno e,
Quraankana ha laayicin, salaaddana qalle u diid,
Habartaana qaarido, waalid laguma qooqee,
Qabbaan iyo farsamo baro, yaadan qiimo beeline
Qoyskiina mooye, qolo kalena ha u tagin
Huggaagana qordheeyoo, qalyanimo iska ogow
Quudkana isaga tuur, ninkii raba ha qaatee.

WEYDIIMO

1. Qaali maxay aabbaheed fariinta ugu dirta? Yeyse u sii dhiibtay fariinta?
2. Tuduca shanaad iyo kan lixaad ma kaaga muuqataa baahidi Qaali? Sharrax koobanna ka bixi?
3. Maraykaanta iyo marbuucadu waa maxay?
4. Sayidku markii uu farriintii helay muxuu Qaali u soo diray?
5. Waxyaabaha uu Sayidku gabadhiisa Qaali kula taliyey wax ka sheeg?
6. Ma ku raacsan tahay tuduca tobnaad ee jawaabtii Sayidku Qaali kula taiiyey?

Tallan Baan Qabaa

Nin loo yaqaano Kaahin Feedhole oo 70 jir ah ayaa geelii dhowr bari la raaciyey, markaa wiil bar-baar ah oo geel raaci jiray ayaa dhintay. Maxamed Kaahin Feedhoole oo cidda la joogayna waxuu uga maqnaa caro baadi doon iyo hawla kale oo fara badan. Odaygii markuu geel raacistii dhibsaday ayuu ku calaacalay:

Tallan baan qabaa Maxamadow taawil gooniya e,
Toddobaatan baan jiray haddaan tiraba dheereyne
Haddaan timaha guudkayga sare tini madoobeyne
Tallaabo iyo oradkii ninkaa tiicayaan ahaye
Tows iyo xanuun waa waxaan dhab ula taahaaye
Tooraha aroortii haddii ay taaga hor u dhaafto
Tartan iyo ninkii orad hayaa taani soo raga e,
Taaggaas aan leeyahay haddii tooyo la ii raacshay
Oo aanan tudhaaleba sugeyn tacadi wooyaane
Waa tallo Ilaah leeyahoo laga tallaabeyne.

Maxamed gabaygii aabbihii markuu helay buu gabay jawaab ah u soo celiyey wuxuuna yiri:

Dabuub gabay haddaad Kaahinow adigu daardaartay
Anna dabagalkeedaan aqaan daadka maansade e
Dibnihii tiraabaane rag waa kaga dambeeyaaye
Aniga dabuubteyda maqal waan ku daaficiye
Daal iyo dhibaataad sheegatiyo dogobta aad jiidhay
Dabeyshaad wareegtee haraad ugu dayoobeyso
Dadku aabbo waa kula qabaa dunida joogaaye
Duniba nin seexday ma jiro doobi dhamayaaye
Dar baa kaa gu’ weynoo lamara dibadda koolaa e
Dubbow Nuur Caduur maalin qura deex ka hari waaye
Dumarna waa ka haayiray iyo damacii naagoode
Iyana Diiriye iyo Xaashi wey daajiyaan sulube
Dareertiina subaxdii kabtida kama dambeeyaan
Dirka Maxamed-Deeq waa ogtahay duuda uu dhalaye
Difisyoone idil waa ninkaa daadiyee qubaye,
Mana diro e waw taagan yahay doogiyo abaare
Ma dayaco habeen Heybe Nuur sidigta dawlaabe
Dumar wuxuu ku biirshaba ma jiro rag uu dugaashaaye
Dagmadeenna oo idil haddaan dayay intaan eegay
Duqa geel u feydani ka badan doogan soo baxaye
Da’daadaa adduunkiyo wadiyo daan cirroolaha e
Marse haddaadan dariyo laheyn dooni iyo moodhar
Oo dheef Ilaah kuugu daray waxan dareeraayo
Waa kuu danli’i raaciddeed waxaad ku diiddaaye
Marse haddaadan dhaan kuu direyn ceel u dalandoola
Duleeddada ku celi geelu waa dowladdeeniiye
Dubjirkana ka hoy howsha kale kaaga dabac roone.

SHARAXA ERAYADA

Tallan: murugo.
Taawil: faallo.
Taws: cudur.
Tore: socodka geela
Tooyo iyo Taani: laba halaad magacyadood.
Dogob: qori weyn.
Dayoobeyso: wareereyso.
Doobi: waa dhiilka caanaha lagu shubto.
Eeyaa: erey ilmaha waalidka ugu yeero.
Dhexe: waa hal magaceed.
Haayiray: tagay.
Kabtiga: dagdagga.
Difisyoone: waa af qalaad, gaas ciidan ah ayaa loola jeedaa.
Sidig: nirig qura oo laba halaad jaqda.
Duqa geel u feydani: duqa geel raaca.
Kaaga dabacsane: kaaga fudude.

Weydiimo

1. Gabayga hore kumaa tiriyey? Muxuuse u tiriyey?
2. Tuduca uu da’diisa ku sheegayo tilmaan?
3. Dhibaatooyinka uu sheegay soo sheeg?
4. “Waxbo yaan calaacaline Eebbaa sidan ii gartay.” Tuduca sidaa sheegayana waa kee?
5. Gabayga dambe yaa tiriyey? Sababta uu ku yimidna maxay aheyd?
6. Maxay isugu toosnaayeen labada nin?
7. Gabaygan waxaa ku jira dhowr qof, haddaba sheeg mid waliba hawlaha uu qabto?

Ina Xagaa-Dheere

Ina-Xagaa Dheere wuxuu ahaa nin ari badan lahaan jiray. Dharaar dharaaraha ka mid ah ayaa cudur ka galay arigii. Markaasuu aad iyo aad arigii tamootidiisii uga xumaaday, wuxuuna yiri, “Waxaan yeeli si aan aniga iyo Ilaahay xoolo nooga dhaxeyn. Wuxuu iigu soo mar-marsoodaba ha waaye.”

Markaasuu hadlay oo yiri, “Eebbow ariga qeybtaa adigaa leh, qeybtaa kalena anigaa leh, haddaba qaybtaada sidaad doontid dheh oo haygu imaan.” Dabadeed waxaa dhacday in arigii uu socdo oo maalin kasta wax ka dhintaan.

Ina-Xagaa Dheere, mar Alla marka arigiisa neef ka dhintaba, isna arigii kale intuu u galo, ayuu qaar ka gawracaa, oo yiraahdaa, “Ari la laayaa ari loo laayuu leeyahay.” Maalin dambe, ayaa roob da’ay. Markaasuu Ina Xagaa-Dheere sallax biyo ku jiraan, intuu jilbaha dhigay is yiri ka cab. Dabadeedna sallaxiibaa dibnaha kaga dhagay.

Muddo dabadeed, ayuu sallaxii sii daayey, arigii baa sidiisii hore isaga le’day. Ina-Xagaa Dheere waxaa hal-hayn u noqotay markaa, “Haddaanu hadalno waa af sallax ku dheggeygii, haddaanu aamusnana ariga sedan laga deyn maayo.”

Sharaxa Ereyada

1. Tamooti: dhimasho
2. Sallax: dhagax godan.

Weydiimo

1. Ina-Xagaa Dheere ariga qaybintiisa maxaa ku kallifay?
2. Ina Xagaa Dheere diinta wax ma ka yaqaanay?
3. Ma ogaaday inuu qaldan yahay?
4. Wax ma ku qaatay cibaaradii la tusay?
5. Sheekada dulucdeedu waa maxay?

Gogosha Ha Igeynin

Gabaygaan waxaa curiyey gabyaaga weyn ee Qamaan Bulxan, sababtii uu u tiriyey waxay aheyd in gabar uu qabay Qamaan mar ay reerkoodii u soo dhibaad doonatay war been ah loo sheegay oo lagu yiri Qamaan wuu dhintay sidaa daraadeedna gabadhii la guursaay.

Qamaan arrintaa aad ayuu uga xumaaday wuxuuna ka tiriyey arrintaa tixdan soo socota isagoo ku halqabsanaya nin saaxiibkii ahaa oo Haybe la oran jiray, wuxuuna yiri:

Gartay weeye Haybow inaan goroda laadshaaye
Waxba gogosha ha i gaynin hurdadu waygu gibileeye
Rag wax gaara gabadhuu qabay oo guurna lagu sheegay
Iyo gamas mariid leh oo u galay goonjigii hilibka
Ugudboone labadaa hal buu gama’ ladiiyee
Aniguna gaddii baan ahaye gogosha ha i gaynin.
Lo’dii miirta shalay goosataye gaawe laga waayey
Ee gaadh istiribaan ahaye gogosha ha i gaynin
Geenyada bakhtiday kii arkaye dudub uraad gooyey
Ee goobay madaxaan ahaye gogosha ha i gaynin.
Nin ay qaaxo feeraha gashay oo malaxi gaashaysay,
Hadduu gama’ yiraah maydhaqaan gocasho daynayne
Wed gudoonsay seedkana ninkaas guraya weeyaane
Aniguna gaddii baan ahaye gogosha ha i geynin.

SHARAXA EREYADA

1. Goroda laadshaaye: madaxa foorariyaa
2. Gibilay: yar tahay
3. Gamas: waran
4. Goonjiga: bartamaha
5. Gedii: sidii oo kale
6. Gaashaaysay: buuxisay
7. Maydhaqa: dhinaca
8. Gocasho: damqasho
9. Wed: geeri

Waa Xaq

Wuxuu ku barbaaray miyiga, weligiina magaalo subax kama soo toosin, xoolaha haqaalahooda ayuu aad u yiqiin. Nolosha miyigana mel fog buu ka gaaray, magaalada haddii wax looga baahdo aabihii baa reerka u safri jiray.

Ninka aan dhimman dhibaato waa u hurid la’aane, maalintii dambe ayuu aabihii allaystay, isagana irrido hawleed ooh or lihi ku furmeen. Markii jiilaal caanona ah mareen ayaa baabuurkii ay fuushanaayeen mar qura ah jirjircad iska rogay, intii haruubkoodii buuxsamay weay geeriyoodeen. Faaraxse dhaawac uu la miyir doorsoomay oo aan nabar mjuuqda alahay ayaa dhacday u soo gurmaday dadkii beeraha ka dhawraa iyo baabuurada waddada maraysay, Faarax iyo dhaawicii kleba waxaa degdeg loogu daadgureeyey isbitaalkii ugu dhowaa.

Laba maalmood kaddib ayuu miyirsaday oo wax kala gartay. Markiiba waxay ishiisu ku dhacday waxyaalo aanu weligii il saarin. Sariiro, dhar cad lagu dedey, dhalooyin sariiraha qaarkood ka soo kordeldella iyo dad sariirahaas ku dul jiifay. Isaga oo aad u yaabban ayuu ninkii sariirta ku jiifay oo ma naxe la oran jira waraystay oo yiri; “Waar bal meesha iiga warran

“Meeshani waa aakhiro” ayuu ugu jawaabay ma-naxe.

“Waar xaq” Faarax baa is dhiibay, isaga oo aa naxsan.

Cabbaar markii uu aamusnaa aya oo cad iyo gabadh kaaliso aheyd
rad xirnevd qolkii Faarax iiifav srw
SS Faarax
gabadh iyaduna dhar cad qabta oo dadka cunto u
qaybinaysay.
Illayn la yaab ma lahee intuu is hayn kari waayey buu ma-naxe la hadlay oo uu yiri; “Waar kuwanin maxay ahaayeen? Waa malai’gtii oo qof walba wuxuu kasbaday siineysay Ma-naxaa miskiinkii ka sii dhalaaliyey. “Waa xaq!” ayuu faarax mar labaaaa yiri. Waxaanad aqon u lahayniba waa belaayo adduune. wuxuu haddana dad qolka qalLiinka la geynayo oo rarab ama dhooliyaal lagu vvalwaalayey.

Markaasuu mta uu jiifkii sidii wax boodaya ka hinqaday, ayuu ma-nexe ku yiri; “xageebaa loo
wadaa?”

“Waa qoladii la xisaabay oo cadaabta iyo janada ayaa look ala dirayaa” “Waa xaq”! buu misana sidiisii ku celiyey.

Naxdin iyo argagax inta uu Ilaahay lsugu Kcciwy Faarax ayuu daqad wejigisiia ku beegneyd eegay, uuna arkay awr afar ahayd oo isbitaalka xaabo u day. Ma’naxe oo markaas in uu kaco oo uu soo oldhaqdo u kaankaansanayey ayuu su’aal kale ku ellyey oo yiri; “Waar awrtaan aakhiro joogtaana jnaxay aheyd? “Waxay sidaan xaabadii Cadaabta jidi lahaa” ayuu ugu jawaabay ma-nexe. 1 sna, “waa xaq”.

Muddo yar ka dib ayaa dhakhtarkii iyo kaalisadii sariirtii Faarax soo gaareen oo intay kaarkiisii
qaateen dawooyin ugu qoreen iyagoon aika u kakla qaadin!

Markii ay ka tageen ayuu ma-nexc weydiiycy oo yiri waar maxay aniga ii qoreen” “Cadaabta” ma naxaa deg-deg ugu jawaabay,

Mai cabbaar ah markii uu fekeray ayuu Faarax,
intuu xanuunkii hayey iska ilaaway, degdeg u kacay,
oo irrida ku booday. Deetana orod buu isqaaday
isagoo doonayey inuu cadaabta cago kaga baxsado.
Shaqaalihii isbitaalku markay addin ku gaari
waayeen ayaa baabuurkii boolisku lahaa lagu eryey
oo sariirtiisii lagu soo celiyey isaga oo lahaa “haddii
aan ifkii camal fasho, malaai gta cadaabtuna cago
iguma gaadheen”. Faarax dadku waxay u qabeen in

Barbaaray
Allaystay
Dhabartay
Miiraabay
Tooyasho
koray
dhintay
caddaaday, ballaadhay
wax kala gartay
waraysi

WEYDIIMO

Ka dhig may ma-nexe miyi talo ku qabsatay Faaraxna la joogo. Ka sheekee waxyaalaha ma-nexe looga maadsan lahaa?

Miyi iyo Magaalo

Reer Miyi iyo Reer Magaal: Gabay

Qodobada Soomaalidu ka gabaydo oo aad caanka u ah waxaa ka mid ah xifaalada. Gabayada xifaaladu waxay ka yimaadaan dhinacyo badan oo kala duwan, gabayada noocaasi ahi waxay qani ku yihiin suugaannimo xeelad dheer. Gabaygan soo socda waxaa isku xifaalaynaya laba nin oo reer miyi iyo reer magaal ah, waana kan gabaygii:

Ninkii reer magaalka ahaa baa ninkii reer miyiga ahaa ku yiri:

Walee daacuflow reer miyaan doocna garaneyne
dab la shiday aroortii hadduu daamanka is dhaafsho
doqonimo waa wuxuu cadkiis doc uga in u-ujaaye
haddii roob Ilaah shubo ooy dunji barwaaqowdo
oo doobi caana ah riyaha looga dalaf siiyo
oo rodol uu doon doon ku helay uga dambaysiiyo
isagiyo duqdiisii markaa dawlad la ismoodye
dam damtiyo hangoolkii majiroo diriri maayaane
maantaas ninkii dan ulahow day so hadalkaaga.
Jawaabtii ninkii reer miyiga ahaana waxay haeyd

Dunuunucaye goortuu qaxwaha dibinta saaraayo
duuf lulaye goortuu kaluun labada daan buuxsho
dayn qaatc mccshii nin rag ah debar ka maalaayo
duryan xum< markuu deega buu dunidnnaye
diintiyo wuxuu caayayaa eebbe daayin e
dat wad aan lagaaraneyn sheegto

daryeelaaye
ah
deeqdana haddii loogu daro darajo weeyaane
waxaa dowrada magaaliyo ninkii degelkeed
waa joogay

Weydiimo

  1. Doodan gabayga ah ee labada nin dhex martay keebaad isleedahay waa lagu jilciyey? Waayo?
  2. Labada nin mid waliba sagaal tuduc buu tiriyey, tuducii kastaba midka u dhigma la doono.
  3. Doqonimo waa wuxuu cadkiis doc uga
  4. muujaaye, muxuu gabyaagu tuducaasi uga
  5. jeedaa?
  6. Dunuunuc • cabasho
  7. I3uuf lulaye
  8. Durian
  9. Deeg
  10. Darash
  11. Dowdar
  12. siin badaxie
  13. buuq
  14. wax la’aan
  15. belaayo/waxyeelo
  16. meherad laawe