Qeybta 3aad

Waa qormadeenii qaybtii 3aad oo aan isugu soo laabannay. Inshaa Allaahu tacaalaa waxaan bilaabayaa xogwarrankaygii iyo billawgii arrintaan ama waxaan goobjooge ka ahaa intaan ka xasuusto idanka Alle ka dib.

Sanadku markuu ahaa 1991 waa tay dhacday fawdo aan qofna ka badbaadin, haduu yahay baarri, faajir, maalqabeen, ama cayr intaba.

Markay dhacday fawdadaasu waxaan joogay Xamar. Waxaan la cararay naftayda illayn naftu orod bay kugu aamintaaye. Dadku way hubaysnaayeen inta badan, qof walibana wuxuu doonuu kan kale ku samaynayay oo  dhac ama dil ah.

Waxaan tagay Keenya magaalada Mombaasa. Bilo kadibna waxaan ahaa dadkii aasaasay xeradii caanka ahayd ee Utaanga. Waxaan Keenya kala kulmay soo dhawayn fiican hadday tahay Mombaasa ama Utaanga intaba. Dadku markay raaxaysanayeen aniga waxaa ii muuqatay dadkii Soomaaliyeed ee is cunayay oo qof walba leeyahay anaa gar leh. Wax ugarnaqayaana aysan jirin.

Anigoo sidaas ku jira oo uusan qalbigaygu dagganayn ayaa waxaan maqlay dad culumo ah oo is xilqaamay markay dhawran waayeen waxa dhacaya. Dabadeedna waxay isku aruursadeen meesha lagu magacaabo Dhooblay ee xad beenaadka Keenya ku dhaw. Raggaasu waxay heleen dhalinyaro ka badbaaday fitnada dhacaysay. Waxay kaloo heleen hubkii oo dadkii markay isku dhameeyeen oo kala aargoosteen qof walbaa markuu xadbeenaadka soo gaaro ayuu qorigiisii qiima yar siistaa, Keenyana horay ugalaa. Fursaddaasey heleen ikhwaankii is xilqaamay.

Meeshii waxay noqotay maalmo gudahood meel loo soo hijroodo. Dadkii baa waxay ogaadeen in dad wadaaddo ah ay meesha xoog ku yeesheen dadkana khayrka ugu yeeraan baadilkana ka reebaan kii dulmi wadana xoog ku muquuniyaan dadka xaqiisana uga qaadaan oo dadka u kala garqaadaan oo kala dajiyaan wixii is cayrsanayay ee is dilayayna kala qaboojiyaan intii awooddooda ah. Markii ay sumcaddoodii cirkaas isku shareertay oo meelo badan looga soo hijrooday ayaa waxaa hakadey dadkii cararayey ee nabadgalya doonka ahaa.

Waxyaabaha aan wali xasuustayda ka go’in waxaa kamid ah oo Dhooblay waagaas ka dhacay: In maalin Jimce ah aan ku tukannay masaajid wayn oo magaalada ku dhex yiillay. Markii wadaadkii salaaddii dhammeeyay ayuu istaagay oo wuxuu yiri, “Waxaan tukannay salaad waajib innagu ah haddaan ka tagnana naloo ciqaabayo. Ma idin la quman tahay in meel masaajidka u jirta wax aan ka badnayn 300 oo mitir uu ka furan yahay guri gabdhaha jirkooda gataa ay daggan yihiin oo aannaan waxba ka qaban sidaasna aan ku badbaadayno?”

Hal mar ayaa dadkii waxay dheheen Allay lehe maya. Wuxuu yiri, “Haddaba inakeena aan wax ka qabannee (munkarka  suulinnee).” Ma jirin hal qof oo yiri gabdhuhu waayo? Waa reerkee? Maxaa laga rabaa yaa og in ay xumaan sameeyaan? Dacwada ma la gaarsiiyay? Naga daaya fitnaa ka dhalanaysee? Shiikh hebel ma la waydiiyay? Iyo wixi la mid ah.

Hal mar baa lagu yaacay cirroole iyo dhalinyaraba. Wallaahi dhulkaa lala simay oo waa la burburiyay gurigay ku jireen. Iyagiina maxaabiis ahaan ayaa loo geeyay xeradii ciidan ee wadaaddada si loo dhaqan celiyo illayn ma jirin dawlad aan ahayn wadaaddadaas iyo maamulkoodaas yar.

Waxaan ka mid ahaa ciidankii gabdhahaas nabad galyadooda wax ka ilaalin jiray ama waardiyaha ka hayn jiray. Meeshiina waxaa lagu hayay intii Alle doono oo muddo ah. Waxaana la siidaayay ayagoo cashara badan qaatay garwaaqsadayna xumaantay ku dhex jireen Ilaahayna u towbad keenay sidii ka muuqatay daahirkooda.

Xumaanta la suulin jiray ma ahayn mid la soo koobi karo. Waxaanse dhacdadaan usoo qaatay waa mid ay ka qayb qaateen dhammaan reer Dhooblay maalinkaas Jimcada ah oo la wada tukaday loona kala harin arrintaas. Munkarka intiisa badan waxaa u taagnaa dad khaas ah oo ducaad ah iyo ciidan la shaqaynayay. Markii ciidankii batay oo la helay culumo badan oo awal geedaha hoostooda ku nabnayd oo quus taagnayd, markii la helay muhaajiriin fara badan oo diyaar u ah in ay naf iyo maalba huraan, markii la helay shacab la maamulo ayaa waxaa soo muuqatay dawladnimo illayn macnaha dawladnimo waxaa sal u ah saddex arrimoode: Manhaj, Dad iyo Dal.

Waxaa billaabatay in la qabto shirar aan kala go’ lahayn oo looga wada tashanayo sidii laga yeeli lahaa ama loo maamuli lahaa dawladnimadaan soo muuqatay iyo fursaddaan la haysto oo qaaliga ah. Waxyaabaha xiwaarku ugu badnaa waxaa ka mid ahaa:

  1. Yaannahay? (Manhajka)
  2. Xaggee dagnaa? (Istaraatiijiyadda)
  3. Ma is raacsannahay? (Shaki la kala qabay)

Aakhirkii waxaa la isku waafaqay in loo hayaamo gobollada Waqooyi Bari sababtoo ah ayagaa noqday meesha kaliya ee bad, buur, berri iyo biyoba leh.

Markaan leeyahay waa la isku raacay arrintii ahayd in Bari loo guuro macnaheedu ma aha in la waayay khilaaf ama ra’yi kaas ka soo horjeeda. Waxaadse ogaataa mar walba waxaa la qaadanayey ra’yiga meesha loo bato khayrna loo maleeyo in uu ku jiro idan Alle.

Waxaa meeshii ku haray oo dadkii is raacay khilaafay laba wadaad iyo ciidankoodii oo iyaguna dhexdoodana is khilaafsan dadkana khilaafsan. Waxaana ku faahfaahin doonnaa inshaa Allaahu tacaalaa qoraalladayada dambe haddaanse hordhac idin siiyo waa labada wadaad oo la kala dhaho Sheekh Xasan Ashkir iyo Sheekh Cabdiraxmaan Jibriil. Aakhirkiina ciidamadoodii waxay ku danbeeyeen Caanoole iyo Xisbul Islaam garabka Axmed Madoobe. Waxaa ku rumowday maahmaahdii aheyd “kullu inaa’in bimaa fiihi yandaxu,” weel walbaa wuxuu dhididaa wixii ku jira (Manhaj qallooc iyo qabyaalad).

Qofkii qormadaydii koowaad soo akhriyay la yaabi maayo in aan dad magacii sheego ama qabiilooyin. Marka fadlan haddaad ku dhex aragto waxaad qoonsatid qormadaan adigoo aan xadgudbin ku laabo qormadaydii koowaad. Waa haddaad xaqdoon tahay (xiiqsanase yeelkiis Xabashida la safan wali).

Qeybta 2aad

Ikhwaanii inta aanan soo gudbin ama aanan guda galin ujeeddada hayaankayga aan ku laabto qormadii koowaad ee uu ku jirey magaca Geesood.

Geesood waxaa laga yaabaa in la garan waayo. Sidaa darteed waxaan inshaa Allaahu isku dayi in aan muujiyo ninka magacaas leh.

Geesood ma garateen?

Gubniyada haddeer jira (Al-Shabaab) waa raggii gingimay beri, waa raggii Saliid galay, Xingaloolna sii maray, Geedlarifay intuu dagay, Warsangalina (Aadam Siciid) magangalay buurta dheer gunteedii Dabra geesaheedii inuu go’ay la moodoo girligaanka isu dhigay (qoriga boobaha ah) inuu gaaro libin sare. Gablan talo aduuney maxay galaba cayntahay! Haddaan goobnay waxa jira guranaaya odayada (al-Ictisaam) aan gurboodka dhaafayn (dhalinyarada) raadkii wuxuu galay gobollada Sucuudiga.

Gar waynidu ma Salaf baa, ma ku goob aduunyaa, ma masraxa ku gaar baa, maalgashiga shisheeyuhu ma garaad nin wayn baa? Guullaw adaa jira gad-gaddiya naflaha idil qalbigooda gabanka ah waa gunaanad taladuye gaalada Allow jabi iyo qolada garab socon. Aamiin. Aamiin.

Sheeko gaaban

Ma run baa in rag waa hore jiray lagu salladay gabar oo ay xiniinyaha ka bixin jirtay kii dhashaba? Qisadaan waxaa la leeyahay waa qiso dhacday anigana waxaan maqlay anigoo yar. Gabadhu waxay ahayd boqorad waxayna u talin jirtay qoonkii markaas la noolaa. Waxay lahayd ciidan daacad u ah oo fuliya amaradeeda. Waxay ku amartay naag kasta oo wiil dhasha in ay keento wiilka.

Dabadeedna waxay amri jirtay in xiniinyaha laga bixiyo lana koriyo illaa uu xoog ka yeesho. Intaas ka dibna waxaa laga dhigi jiray askari daacad u ah boqoradda. Ilaahay baa wuxuu ka xifdiyay mid yar oo markaas dhashay daalimaddaas ragga goysay. Wiilkii baa koray ama waynaaday inkastoo dhib badan lagala kulmay korintiisii. Gabadhu waxay maalin walba u keentaa ragga xujo aysan furi karin maxaa yeelay waa rag ay ka maqan yihiin xubno muhiim ah waxaana ku adag inay sida nin fayaw u fakaraan. Goortay daalaan oo xujada ay furi waayaan ayay u tagaan rajulkii Ilaahay ka badbaadiyey boqoradda oo god lagu ilaaliyo. Markaasuu u soo sheegaa xaalku siduu yahay.

Kadibna boqoraddii baa la hordhigaa xal u helidda xujadeedii markaasay xanaaqdaa oo u gooddidaa ragga markaasey ku celisaa baaris hor leh si loo hubiyo in ragga ay ku jiraan qaar xiniinyo leh ilayn xujada meesha taal ma furi karaan rag aan xiniinyo laheyne. Markay isugu darto ciqaab iyo inay mar labaad cawradoodii faydo oo moraal ahaan iyo jir ahaanba loo dilo ayay shaqo cusub u dirtaa.

Markii sabankii dheeraaday raggiina go’ay ayuu rajulkii go’aan qaatay. Wuxuu dajiyay khiddadii looga takhalusi lahaa duqdaan baas oo ragga lagu salladay. Wuxuu yiri casuuma boqoradda una sameeya fadhi qurux badan oo xariir lagu goglay ilayn boqor iyo xariir la kala raacye. Wuxuu yiri intaan fadhiga la dhigin meesha ceel dheer ka qoda dabadeedna ku kor gogla xariirta.

Markay damacdo in ay fariisato waxay ku dhici doontaa ceelkaas ee halkaas ku rajmiya. Markaad dishaanna ii yeera. Sidii baa la yeelay waana lagu guulaystay dadkiina wixii ka haray rajulkii baa badbaadiyay. Caddaalad buu ku dhaqey bulshadii wixii intaa ka dambeeyey. Wiilashii xiniinyaha laga bixin jirayna waa badbaadeen.

Ayaan aan tagay gobollada Bari ayaa waxaan arkay dhagxaan meel la tubay oo aad buuro mooddo inta ay la’eg yihiin. Waxaa la igu yiri waa meeshii habartii baas lagu rajmiyay. Dulucdaydu ma ahan in aan sheekada rumeeyo ama beeniyo waxayse shabbahdaa qormada aan soo wado. Sidaas darteed baan gogoldhig uga dhigtay sheekada iyo ninka ka badbaaday habartaas ragga goysay!

Qofna kama qarsoona waxa maanta ka dhacaya hareeraha adduunka. La isumana qariyo wixii waa hore sir ahaan jiray maanta bannaankay yaallaan. Dhammaan waxaa la isu geeyay ciidamadii qalabka siday hadday yihiin gaalo ama kuwa sheegta Muslimiinta. Waxaa la baadi goobayaa hal nin oo lagu tuhmayo in ay xiniinyo ku jiraan. Waana ninka ku dhuumaalaysanaya buuraha Afqaanistaan godadka ku yaalla, Shiikh Usaama bin Laadin (xafidahullaahu).

Gaalada waa gartood mar kasta oo ay is dhahaan wixii Muslimka sheeganayay waad xiniinya bixiseen, oo ma jiri doono cid danihiina ka hor imaan doonta meel aysan ka filayn bay ka bilaabataa. Markaasay raggii agtooda joogay ee buurbuurnaa – ilayn waa koramo la xiniinyo bixiyay – baa la garaaci oo la dhihi yaa idin ku dhex jira? Yaa furay xujadii adkayd? Keena ragga halla baaro mar labaad.

Markaasaa waxaa lagu samayn wixii la doono oo xumaan ah. Illaa haddana dhibku wuu socdaa. Habartii baas oo muddo laga nastayna waxaa baddalay gaalo kibirtay oo aan ehelnimo iyo diin toona kuu dhaafayn. Anigu imtixaankii habarta ma aanan soo gaarin laakiin haddaan mixnadaan dhex fadhiyaa. Ilaahay ha iga badbaadiyo aniga iyo adinkaba. Aamiin. Aamiin.

Qeybta 1aad

[arabic-font]الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين
وأشهد أن لا إله إلا اللَّه وحده لا شريك له، وأشهد أن محمداً عبده ورسوله، أمــا بعــد[/arabic-font]

Cinwaanka qoraalka oo ah tix gabay ah:

Masoo gaadhay gaal iyo wadaad gaar u wada taagan
Oo talo gorfaynaaya oo maalmo wada guulay
Oo Goday intay wada tageen gacal walaaloobay
Oo gumac rasaas inaan la ridin talo kusoo gaabshay (Al-Ictisaam)
Ictisaam gar baa taal
Ictisaam gar baa taal loo wada gudboon yahay soo fariista gogoshaan.
In Shabaab la gooyoo Meles lowyagaab iyo gaalada la raacaa miyay nala gudboon tahay?
Hadaan nahay waxgaradkii gadgadiyay masaladaan
Aad galbeed la aaddeen gaalada ku raacdeen
Wala gaar ah siiseen nacayb gaamuraa jira.
Inaad suuqa galisaa “Waa geeddi reeruhu galbeed baan usoconnaa!”
Waa talo gurracanoo raggeedii gabood falay.
Gabibaad ka lulataan Inta goori goor tahay garwaaqsada waxaan dhacay.
Soo fariista golahaan ka garbaxa walaalaha gobollada dalkeennii gaarsiiyay nabad run ah (Mujaahidiinta)
Axmed Godane ugu taga la gorfeeya taladana kama liito gaal xune.
Gablan talo aduuneey Geesood ma moodayn inuu gaaray heerkaas
Uu Sanaawi u garbixin walaalihiisna uga go’ay.
Allaw sama nagaarsii gaalada adigu jabi
Muslimiinta garabqabo xifdi gabanadoodaas
Gaarsii hamiga sare ay goobayeen abid (Dowlad Islaam ah.)
Aamiin. Aamiin.

Anigu gabay ma aqaan ee caro ayaa ii gaysay. Waxaanse akhristayaasha ka codsanayaa in ay gabaygaas kordhiyaan ilayn waad garateen ujeeddadayda iyo meeshuu u socdo intaba.

Waxaan ahay nin oday ah oo da’diisu gaadhay sano lixdan. Waxaan rabaa in aan xoogaa ka sheekeeyo waxyaabo aan xog ogaal u ahay ama goobjoog ka ahaa. Waxaadna ogaataan waa markii koobaad oo aan gabyo ama joornaal wax ku qoro. Marka haddaad aragtaan anigoo gabi dhaclaynaya ha ii malaynina nin yaroo caadifaddu waddo. Waxaan ahay oday intaas ka badan qarin waayay wuxuu og yahay oo gabood fal ah.

Waxaan isku dayayaa in aanan cidna ku xadgudbin. Wixii gaf ah oo iga dhacana Ilaahay baan uga towbad keeni raalli galinna waan ka bixin. Arrinta aan rabo in aan ka sheekeeyo waxaad ku arki doontaan dad magacyadii ama qabiilooyin magacyadood qola walbana waxaan ku xusi marka la gaaro sababta keentay in magacooda la xuso. Marka qofkii iska dhex arka qoraalkaas yuusan umalayn in dan gaar ah laga leeyahay. Xusidda waxaa keenay dhacdada meesha taalla iyo raadkuu ku leeyahay dhacdadaasi hadday xun tahay iyo hadday fiican tahayba.

Xogwarrankaanu ma aha dhacdo cusub mana aha qoraalkii koowaad oo laga qoray ama laga maqlo. Waa dhici kartaa in aan waxyaabaha qaarkood la ogayn ama si khaldan suuqa loo galiyay. Waana midda igu bixisay in aan qaato qalinka dibna noo celiyo wax ka badan 17 sano. Waxaan isku dayi inshaa Allaahu inaan taxane ka dhigo qoraalkaan mar walbana aan soo gudbiyo wixii aan ka helo xusuusqorkayga.

Masoo Gaadhay Gaal iyo Wadaad Gaadh Uwada Taagan

Qormooyinkan waxay ka hadli doonaan taariikh iyo dhacdooyin ku saabsan xarakada Salafiyada Soomaaliya gaar ahaan xarakadii Itixaadka oo hadda u qaybsantey qayb manhajkii ku sugnaatey oo aan tanaasulin iyo koox manhajkii ka tanaasushey isuna dhiibtey cadawgii umadda iyo manhajkii cilmaaniga (dimuqraadiyadda) ee ay umadda uga digi jireen.

 

Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeybta 3aad
Qeybta 4aad
Qeybta 5aad
Qeybta 6aad
Qeybta 7aad
Qeybta 8aad
Qeybta 9aad
Qeybta 10aad
Qeybta 11aad
Qeybta 12aad
Qeybta 13aad
Qeybta 14aad
Qeybta 15aad
Qeybta 16aad
Qeybta 17aad
Qeybta 18aad
Qeybta 19aad
Qeybta 20aad
Qeybta 21aad
Qeybta 22aad
Qeybta 23aad
Qeybta 24aad
Qeybta 25aad
Qeybta 26aad
Qeybta 27aad
Qeybta 28aad
Qeybta 29aad
Qeybta 30aad
Qeybta 31aad
Qeybta 32aad
Qeybta 33aad
Qeybta 34aad
Qeybta 35aad
Qeybta 36aad
Qeybta 37aad
Qeybta 38aad
Qeybta 39aad
Qeybta 40aad
Qeybta 41aad
Qeybta 42aad
Qeybta 43aad
Qeybta 44aad
Qeybta 45aad
Qeybta 46aad
Qeybta 47aad
Qeybta 48aad
Qeybta 49aad
Qeybta 50aad

Coley

Burhaan Cali

Waan xasuustaa markii iigu horreysay ee aan muuqeeda arko xilahayga aan ula baxay ‘Coley’ laakiin waalidkeed ugu wanqaleen ‘Saafi’. Waxay ahayd galab dhiillo colaadeed taagnayd oo iyada iyo dhawr dumar ah oo caraysani ay ragga dhagxinayeen iyagoo islamarkaana ku dhawaaqaya, ” Kacoo dagaalka aadda, raggii go’ye ama noo bixiya saraawiisha, oo gashada diraca iyo googoradahayaga”. Waxaan ka mid ahaa raggii maalintaa qiiradu qaadday. Waxaan dusha kaga booday gaari tikniko ah, waxaanan anoo dhoolla caddaynaya isla markaana sii taqsiimaya ku iri Saafi oo gaadhiga dheeggiisa taagan, ” Illin dambe ma qubi doontid ee nagu kalsoonow nagana war sug”!.

Dagaalkaa aan u qalab qaatay ma ahayn mid aan ku difaacayay Qaran ee wuxuu ahaa mid aan isku gumaadaynay walaalahay Soomaaliyeed balse aannu kala hayb nahay. Aniga iyo Saafiba waxaan ka qaybgalnay dagaal xawaalad ah. Waa dagaal naloo soo waariday, annaguna aannu sii xawili doonno. Waa dagaal boqollaal sano soo socday inta la hubo, cid og sabab uu ku bilawdayna ma jirto. Dagaalkii noocaa ahaa ayaa markan shaar siyaasadeed loo geliyey, wixii la ogaa baana ka dhacay!

Guul ayaan ka soo hooyney dagaalkii, warkayguna anoon magaalada soo gaarin buu iga soo horreeyey. Wiil hoog goobta uu galo wacdaro ka dhiga, ayaa la igu maamuusay, billad-sharaf qoys oo maalmo magaceedu jirana waa la iigu ladhay! Dadkii nagu soo xoomay markii aannu guusha la soo hoyanay ayay ku jirtey Saafi. Iyadoon iska warqabin oo farxad la tiicaysa ayay isku kay duubtay. Dareenkayagii caashaq halkaas ayuu ka bilowmay, muddo dheerna kama soo wareegan aqalgalkayagii. Dersin carruur ah oo lab iyo dheddig ahna alle waa noogu deeqay inta aqalkayagu jiray.

Xirfaddaydii dagaalka waxaan ku sii darsaday anoo awood iyo khibrad u yeeshay abaabulka colaadaha iyo qiira gelinta qoyska hadba wixii gadmayana la jaanqaada. Marna kama nasto hawsha reerka. Marka aanan gacanta ka dirirayn afka ayaan ka diriraa oo beesha magaceeda goob aan fadhiyo laguma bahdili karo. Waxaan berya sidaa ahaadaba colaadihii baa saldhigan waayay oo qoys qoys ayaa la isu baabi’iyey. Hal cashar baanse ka bartay ” Shisheeye ma dhammaadee qofkaada ha waayin”.

Saddex sano markaan isqabnay, ayaa Saafi walaalaheed oo Yurub joogaa isxambaar ku geeyeen Yurub, waxayna degtay London. Saddex sano ka dibna aniga iyo labo mataanno ah oo ay naga soo tagtay ayaa ku soo biiray. Saddexdii sano een ismoogayn, ayaa isbaddal weyn oo dhan walba ahi ku yimid. Horta wadaad weyn bay noqotay oo taas dhib badan uma marin. Judhiiba darbaal bay isku ridday, qiiro diineed oon cilmi caqli lala kaashaday ku imanna way la soo baxday, dhul gaalo nacaybkiisna waa ku kordhay, tacab iyo tacliinna aan tanaadinna way u jeesatay. Anigiina cagta bay cagta ii saartay. ” Balwad noocay doontaba ha ahaato, qabiil, salaad la’aan iyo shaqo la’aan ma arki karo” ayay igu tiri. Masaajid dhawr ah iyo culimo gaar ah oo ay aad ula dhacsanaydna fartay iigu fiiqday oo i tiri toddobaad walba dhammaadkiisa (Weekend) halkaa iska xaadiri! Ayaamihii hore ayaan nin rag ah iska dhigay oo dhawr jeer guriga la imid waxoogaa Qaad, haseyeeshee maxaa iga qabsaday! Bacda ayaa bannaanka la ii dhigay. Arkay inaan xoog shaqaynayn waxaanan ku qasbanaaday inaan u hogaamsamo awaamiirta Coley!

Dunidu sida ay hadda u waalatay ma ahayn berigaa. Internet, Facebook.. iwm ma jirin, teleefoonaduna qaali bay ahaayeen, oo wararka dhulkii BBC ku tallaalan satelayt baa laga dhagaysan jirey. Balwadihii kale oo dhan waan joojiyey aan ka ahayn fadhi ku dirirka. Waxaan war u soo doontaa makhaayad tolku leeyahay oo ugu yaraan 10km ii jirta. Wixii aan BBC ka dhageystay iyo in aan kala soo dhexbaxay fadhi ku dirirka ayaan guriga kula soo laabtaa. Qof war i weydiiya Coley, wadaadii aakhiro u jeedka ahayd ayaa ugu horreysa. Anna wax run iyo been loo kala garan wayey baan ku daldalaa, mararka qaarna waa ku canjiiriyaa. Illeen wax loo gaajoodo war baa ugu darane guluf bay igu qaaddaa!. Waxaase iigu yaab badan marka ay warka iga dhammaysato ayay wacdi iigu dhaqaaqdaa iyo in aanay qabyaaladdu fiicnayn, waxyar ka dibna koox dumar ah oo teleefoon ka sugayey ayay intii aan u sheegay oo ay weliba sii baraxday oo sii xawaashaysay u sheegtaa!

Intaan qurbaha joognay laba goor, ayaa reerkayagu qarka ugu sigtay inuu qabyaalad darteed ku burburo. Mar sagaashameeyada aakhirkeedii, ayaa waxaa isku qaad qaaday labada qoys oon ka kala dhalanay. Labadayada qoys wada dhalashada dalladda guud ka sokow waxay ahaayeen isku xulufo wada duula, markanse iyagay ka tafatay. Labadayaduba qaaraankii habarwacadka, ayaa qofba qoyskiisa u dirsaday. Nasiib darro qoyskeedii, ayaa laga adkaaday oo rag badan laga laayay. Colaaddaas, ayaa loogu soo dhuuntay oo lagu yiri, ” naa abriska guriga kuu jiifa ayaa noogu darane yuusan ku naagaysan”!

Balaayose waxay dhacday markii qoyskeedu maalgashadeen kooxdii cimaamadley. Coley waxaa isugu darsamay culimadii ay caashaqsanayd oo calankii dal iyo diin lagu difaacayey kor u qaaday, barbaartii ilma adeeradeed ahaa oo shaashadaha caalamiga ah ka muuqda iyo qoyskeedii oo dibad iyo gudo aan u kala harin. Waxay gashay baan dhihi karaa malaha maalmihii nolosheeda ugu farxadda badnaa. Waxay hormuud ka noqotay koox dumar ah oo iskood isu xilqaamay. Qiiradii ay berigay dhallinyarada ahayd wadi jirtey oo markan janno loogu yaboohay ayay waddaa. Anigu aqoon diineed ma lihi laakiin waxaan ka baxay jaamacadda fadhi ku dirirka oo qibrad in ka badan labaatan sano oo falanqaynta siyaasadda qabyaaladaysan, ayaan leeyahay. Dhanka diinta, kii cimaamad iyo khamiis gashan, dadkana wacdiya waa ii culumo, kaliya waxaan ku kala xushaa sida ay u kala aftahansan yihiin raganimana uga muuqato. Kuwaa wacdigooda hurdo igu soo degtaa, kuwana dagaal iyo xaajo rag bay i dhexgeeyaan. Waxaan u kala hiilliyaa niman Bashtu ah. Midkay jecelyihiin waxay iigu suntaan inuu yahay muslim wanaagsan oo gargaarkeenna u baahan, kan kalana habaarkeenna! Iyaduse magacyo sidii qabiilka oo kale ah ayay ugu kala yeeryeertaa wadaadada. Maalintii iigu darrayd waxay ahayd markaan soo qaatay cajalad wadaad qunyar socod weeye la igu yiri. Intay cajaladdii tuurtay ayay igu tiri, “war kan iyo noociisa diin lagama dhagaysto maxaa yeelay sunnada iyo jihaadkaba way fududaystaan, waa koox heblaayo!”

Oday adeerkay ah oo weligiis iska daba socday magaca dawlad, ayaa taageeray kooxdii Mbagathi. Illeen jirkiis la haye jadiin kama qoslee, waxaan fadhi ku dirirkii ka taageeray Mbagathi. Maxaa iga raacay! Coley ayaa bacdii bannaanka iigu tuurtay, weliba waxaa la iigu daray lacnad iyo inaan gaal ahay! Anoo iska dhigaya sidii nin loo waxyooday ayaan iri ” warkaas war baan ku sugi. Cimaamadley iyadoo is cunaysana waa la arki doonaa haddaynaan dhiman e maxaad igu geli?” Waqti dheerba kama soo wareegan markii sheekadiiba calow galay oo la kala garan waayey mid diin iyo dal difaacaya iyo mid jaajuus ah oo shisheeye u adeega. Qarax ismiidaamin iyo gawrac iyo culimadii ay taageersanayd oo qabiil qabiil iyo koox koox isu cunay baa xigay.

Illeen qabiil ma xisaabtamo qabyaaladna ma dhammaatee, sidaan u joognay ayaa hal mar waxaa London wada qabsaday soo dhaweynta madaxweynayaal qabiil. Waa hawlahaygii. Aniga iyo intii daacad u ahayd fadhi ku dirirka ee maqaaxiyaha ku habsaamay ayaa suuq helay. Waxaanu u qaybsannay in horkacda soo dhaweynta iyo in madaxweyneyaal isu caleemo saartay . Waxase waxaba isku fuuqsaday markaan fadhi ku dirirkii keennay TV-yadii oo weliba ay noqdeen mawduucyada loogu xiisaha badan yahay. Coley berigii hore aniga, ayaa fadhi ku dirirka uga sheekayn jirey, haddase waxay TV-yada ka quudataa isagoo daray ah. Waxa shaashadaha ka soo muuqda rag aan lafahoodoo cad cad aqaan. Waa rag ku dhaca imtixaanka juquraafiga ilmaha Dugsiga Hoose dhigtaa uusan gafayn, misana habeen walba falanqeeya siyaasadda cakiran. Coley, bahdii cimaamadley iyo in badan oo suudh xirata waxay igu caayaan fadhi ku dirir anna waxaan ugu jawaabaa ” cimaamad xiratayaa ama suudh xiratayaa dhiiggiinu waa qabiil laakiinse idinkoo qori ismaris ah iska walaaqda waxa aad diin iyo wadaniyad ku sheegtaan aniga iyo xertayda fadhi ku dirirka ayaa magaca qabiil idiin wadnee”!

Allaylehe miyaanan haddaba gacaladay Coley ka qabiilisanayn!