All posts by mktbd

Baqalka Kuugu Soo Diray

Guyaashii  Daraawiish tiirkeeda adkaaday, ololaheedana calan walleynaayey oo dadna u kala miirmay nin gaalada xaggeeda ka soo jeeda iyo nin waran iyo gaashaan qaatay oo gaalada hortaagan iyo nin aan labada geesood midna raacin oo gegi dhexe iska jooga oo ishaafalateynaaya, ayaa nin gabyaa ah oo magaciisa la oron jiray Aaden Axmed Dubbe oo degganaa buuraha Ceerigaabo iyo afafkooda gabay mariyey, gabaygaa oo uu kaga gilgilanaayey hadallo Sayidku isagoon dad kala soocin gaalo dad badan ku sheegay, gaar ahaan degmada Aaden Axmed Dubbe ka mjd yahay. Wuxuu yiri Aaden:

(T)

Dariiqada Axmediyaannu nahay, eheladeediiye

Afkana kama dhignoo jamacaan, idilkii haynaaye

Umuuru diinka waxaan raacsannahay, Nebi Ibraahiine

Gaalada ninkii nagu ismaa, waanu na aqoone

Ishaa Allaahu aakhiraba ways, ku arki doonnaaye

Sayidkii markuu maqlay gabaygaas wuxuu hubsaday ninkaa iyo lillaahinimadiisa iyo inuu yahay nin diin iyo iimaan leh, waxgaradna ah. Dabadeed wuxuu u diray baqal hadiyad ah iyo rag ergo ah iyo masafadan, wuxuu Sayidku hadal ugu gabagabeeyey waxtar iyo waxsiin haddaad doonayso xarunta kaalay, wuxuuna Sayidku yiri:

Ragga bixitamaayow, bela laga xijaabyow

Ayaantaad bad beeddaan, Aadan1 wayga baab mida

Bishaaradu ha gartee, bayin waxow tiraahdaan

Sagaal halaan ku bari baan, baqalka kuugu soo diray

Warsangeliga beyree, ballankii Ilaah furay

Bidcafalaha nagu yiri, xaajada baddaalka ah

Ee baara weynow cawar, beydka ugu galay

Iyagiyo berberigu, baha gaalo weeyoo

Baayacaadda Cadameed, Ibleys bawgu baaqoo

Boqorka uu guddoonshaa, Bastaloosi2 weeyoo

Badaawida xujoowdaa, adiguba u baantaye

Waadiga biddoodkiyo, boonlaha ku sheegaye

Baraara Alla-yeelyow, adigaa I beejaye

Beddel inaad ka dhigataan, baqalka kuugu soo diray!

Marna baad aan leeyahay, bilna kuuma imannine

Biya aan ku siiyana, bushimaa ma saarine

In kaley buleysaye, adigu beer ma dubannine

Bismillee bilowgaan, baqalka kuugu soo dirayee!

Baashiga abaareed hadday, beeshu geeddido

Boqoolaa harsimadii, haddii budulka lagu dhaco

Buska inaad ka fuushaan, baqalka kuugu soo diraye!

Haddii aad bannaankiyo, bocoodaha ka guurtaan

Ee baallaheediyo, barqa-maalle lagu furo

Buurta inuu ku koriyaan, baqalka kuugu soo diray!

Cidahoo barwaaqaa, berisamaha dooggii

Barqagaarka reeraha, baashaarka gobannimo

Dantaa inaad ku bogotaan, baqalka kuugu soo diray

Haddaad baadi doon tahay, beydaalis xoolaad

Aadan bananka dheeriyo, beri kale u saafurin

Barax inaad ku rarataan, baqalka kuugu soo diray

Haddii bogox col loo waco, waa beled amxaaree

In kastoo buufis lagu wado, bigifsiga ma daayee

Kufri inaad ku boobtaan, baqalka kuugu soo diray

Nin wadaad basariyana, barakaa ka raacda e

Anna waan u baahnahay, ducaad igu bantookhdoo

Inaan kheyr baalleeyaan, baqalka kuugu soo diray

Bacdigeedna aakhiro, bacaskiyoo kulaylkii

Bancaddaha qiyaamaha, sida bilig billaac yiri

Baalal inaan ka yeeshaan, baqalka kuugu soo diray

Bojayoo sagaalkii, biidna kama aan dhaafinee

Bigi iguma laabnoo, waa iga bashuuqdee

Big yaroo kaleetaan, badin maayo ku sii dari

Dad nin bela sameeyiyo, burge lagama waayee

Buuryaqabyo xaasidi, bakhayl hadday I moodaan

Oo baaniyaal dhaho, bal dayooy wuxuu wado

Hadalkaa bishaacaa, iyagaa ku ba’ayoo

Adduun baafis inaan ahay, burhaan looma helayee

Buubsi waxaan ku taabiyo, boolina ma haystoo

Kolay neef barkina tahay, baas lagaga qaadoo

Muslin waxaan ka buurtana, baqti buuba iga yahay

Been inaanan sheegayna, waa igu billaahoo

Boqol halaadoo aan bixiyaa, beesad ilama dhaantoo

Wixii laysku bededana, barashaa ka fiicane

Haddaad baaha doon tahay, berri adigu ii imow

Haddii kalase booskaa, yaan bahalku kaa dilin.

*Waxaan ka qoray Aw Axmed Aaden Surgo’.

1. Aaden Axmed Dubbe: Wuxuu ku noolaan jiray degmada Ceerigaabo, wuxuuna ahaa gabyaa caan ah oo la tixgeliyo.

2. Bestalozza: Wuxuu ahaa danjire Talyaaniga u fadhin jiray Cadan jeerkii dagaalladu ka dhex socdeen Daraawiishta iyo gumeysiga, wuxuu wakiil ka ahaa Afrikada bari, gaar ahaan xeebaha Soomaaliya iyo Sinjibaar. Wuxuu kaloo ahaa ninkii uga qeyb galay Talyaaniga, Ingiriiska iyo Xabashida heshiiskii Ilig.

GABAYXOOG

Aaden Axmed Dubbe (Gabeyxoog) markuu baqalkii Sayidku u soo diray guddoomay, masafadiina loo mariyey, wuxuu u diray gabaygaan:

(J)

Awal maanso waataan dabroo, daayey waayaha e

Ka da’ weyni daandaansi iyo, diradireyntiiye

Waa layga wada doonayaa, doogsintaan baraye

Aan daleeyo caawana qalbigu, way dikriyaaye

Deggane Maxamadow waxaynu nahay, ul iyo diirkeede

Dadka kale ha joogo ee adaan, iga digtoonayne

Raggiinnii Dariiqada ka yimid, durug warkiisiiye

Dunjigiisba waan wada jeclaa, degaha reer Nuure

Wixii duub leh deris baannu nahay, iyo Daraawiishe

Sayid Maxamed doodduu i yiri iyo, daabbadda uu keenay

Waa ii soo duceeyaye Allow, derajadiis raaji

Midna waqaan Ilaah ugu darraan, labada daaroode

Muslin oo dhan baa diiq ku jiray, jeeruu daahiraye

Awliyada duushuu carshiga, kula dakeeyaaye

Ninba wuxuu debnaa ugu hayiyo, daarka iyo laabta

Danniguu gartaa waxa qalbiga, kaga dahsoonaaye

Kun halaad nin subax soo didshoo, duul u yimid siiyey

Oo aanay duntaa iyo la noqon, dibi la loogaayo

Deeq nin ugu faanaa ma jiro, Dir iyo Daaroode

Nin la diini kama soo if bixin, duniyadeenneere

Dirid ferenji baa ugu badnaa, dab iyo baaruude

Isagiiba dabaq buu ku riday, duhur dharaareede

Dabar iyo hoggaan buu ku xiray, duluflahoodiiye

Dangaaradii bay dhegihii, wada dillaceene

Dogoble iyo ka kici ceelashay, wada degmaysteene

Burco kama dabbaaldego wixii, dabada gaabnaaye

Nimankuu la soo duulayoo, dab iyo reer siiyay

Diintii ka saar oo hadday, wada dulloobeene

Doofaarradaasaa jihaad, lagu dayaayaaye

Dadoow dirira loo kala dillaac, labada daamoode

Afartaa da’da intaan ku dhigay, daw ma ku hagaajay

Ma daliil dhaqsaday sida wadaad, deelka ka higaadshay

Dig ma yeershay sida danab cir dhacay, ama gu’ duulduulay

Duufaan ma soo riday sidii, diiqalyada xoomir

Ma dalleeyay sidii doonyahoo, qalamigii duubay

Shiraacaan farmaanka ugu xiray, dakhalka maw buuxshay

Deebaanka ma u soo qabtoo, maw dabeel raacshay

Warsangeli Dariiqii ka beyr, daahirtii nebiye

Sayid Maxamed deeqduu baxshey, bilo ku doogeene

Waxa dararta laga maalayaa, deebluhuu dhaqaye

Waa niman diihaal lagu korshiyo, gaalo daallima e

Dadna waxay ka doorteen kufriga, inay dillaalaane

Ha lagu duulo nimankaasi waa, debendobyoobeene.

Awel Maanso Waataan Balfay

Guyaashii Darwiishi deganayd xeebahaas Ilig iyo Ayl, ayey aad iyo aad u xoogaysteen hub iyo maana ka hodmeen, haybad iyo buruudna Eebbe hibo uga dhigay.

Kolkaasna Soomaalidii ka soo horjeedday iyo gumaysigii la dirirayeyba waxay jeclaysteen waanwaan nabadeed inay la yeeshaan dabadeedna si fiican ula heshiiyaan. Sidaas daraadeed Ingiriisku wuxuu u soo diray boqollaal ratio o safar ah, si xiriir ganacsi uga dhex beermo iyaga iyo Daraawiish. Talyaaniguna wuxuu siiyey dab badan oo buntukhii shanlaha ahaa ka mid yahay. Hase ahaatee Soomaalidii markaas geeska ka ahayd duullaamo badan bay Daraawiish ku soo bixiyeen, dhowr goorna xarunta ayay soo weerareen , Darwiishina gaashaankay u qabatay, six un bay u jebiyeen oo guul iyo libin ayay dagaalkii ka gaareen.

Isagoo Sayidku ka faalloonaya gargaarkaas Ilaahay siiyey, biliga iyo buruudka Daraawiish loo yeelay, ayuu gabay mariyey, wuxuu yiri:

Awal maanso waataan balfoo, beylahshoo nacaye
Waataan bidcaystoo ka dhigay, buurigoo kale e

Aan booyaamo xalay baa huradada, layla baashiraye
Ba’dana aan ku dhigo waanigii, buuni ku ahaaye
Barqiyo raacad waxay galaan, badhaha Nowriise1
Barkadaha ballaqan iyo ballida, aan buux dhaafsho
Aan butaaco sida karadha waa, bu’ashaydiiye
Aan biyeeyo togaggiyo halkii, bohola oo jeexan
Buurtiyo hannaankaba cagaar, baad aan kaga yeelo
Afartaa bojaye balaan mid kale, baabka ka higaadsho
Halkey bededi laabtaydu aan, biifka ka caddeeyo
Baaljiid rag waw daranyahaye, bayr aan ugu yeelo
Baaruddiyo rasaastiyo madfaca, bow aan kaga siiyo
Aan bulxamo sidii badaha oo, baxarku qiiqaabay
Aan balbalo sidii beerta oo, baalka roganeysa
Baabuurka aan dhoofsho waa, bixitamayaaye
Aan bandiiraddiyo calanka iyo, bayraqa u taago
Bishaarooyinkii Eebbahay baarax, aan u sheego
Bugtii hore hadduu uumiyuhu, baaddil nagu maagay
Bilis iyo nafloo idil haddii, laysu wada bayray
Baabkii shareecada haddii, loo bushima tuuray
Boqol jeer rogaal iyo hadday, buufiyaay noqotay
Bufka waxaa wadhnaa waa kufriga, boqorradiisiiye
Banaatiikhda waataan ka helnay, badane noo taale
Bili nimaan lahayn baan xarbada, biid ka tarihayne
Buruudkii astaadkeennu2 waa, biraan la laafayne
Waxa baalka dheer noogu wacan, Baraka diimeede
Ingiriisku waa baahaaqaad, baadda noo wada e
Bullaxaar3 waxaa nooga yimid, moosin loo bogo e
Talyanna soo baxyoo haatan waa, baha Daraawiishe
Boontii Majeerteen ahayd, baabbah laga yeelye
Waataa waraabuhu ka bogan, burunjidoodiiye
Buuryada waxaa looga jaray, waa badownimo e
Bahdirtii xaglaa dabecsanayd, hawdyihii jabane
Baadariyadii laga idlee, balagta dheeraaye
Baqalyuhuu kuwuu diirtay baan, looga bi’ihayne
Bile4 iyo Shuxle5 iyo Yuusuf6 waa, baadi aakhiro e
Baduuggaa berraa laga samayn, nimanka Baargaale7
Bi’idnillaahi Boosaaso8 waa, belelin doonnaaye
Keenadiid9 bitikhan wawsagii, gaasku baatulaye
Wax balaayadaas loogu dhigay, baaqulhadalkiiye
Baraxley10 sidii loo makalay, boohin ku abaadye
Ina-Diinle11 baasaha ka dhacay, bari u naaftowye
Waa buurriyaan socodka oo, boqontu waa kaw e
Tolow badarka noo daaya bay, nagu baryaayaane
Ciisihii badaawida ahaa, buulna laga waaye
Burco12 wuxuu la tegey gaajo iyo, boohin iyo cayre
Mahad lagu bogsoo bahalihii, baabusha lahaaye
Buubaale nimankii futada, beyga ku leeyahaye
Markii buunka lagu yeeriyey, bogox u yaaceene
Waxa balaslahoodii ka dhacay, beled amxaaraade
Ogaadeen Bullaaliyo13 ka carar, baqaskii Doolloode14
Buncaddaha Turey15 laguma ogaa, jees ku baaqiya e
Qorraxey16 horweyn kama balxado, bilaha jiilaale
Reer Subayr bidhaan laga idlee, badina loo laaye
Beyley ma maalaan intay, bidhe u qaataane
Barqinkiyo harkii kama dhammaan, balaqdii caanoode.

*Waxaan ka qoray Gallaydh Cabdi Ismaaciil.

  1. Nowriis: Dabshidka.
  2. Astaadka: Waa Sayidka ama Shiikh Maxamad Saalax oo dariiqada saalixiya madax u ahaa, Sayidkana sheikh ua ahaa.
  3. Bullaxaar: Waa magaalo fil weyn oo ku taalla meel u dhexeysa xeebta Berbera iyo Seylac.
  4. Bile: Bile Samatar Cismaan wuxuu ahaa boqor Cismaan ina-adeerkiis.
  5. Shuxle: Shuxle Yuusuf Cismaan.
  6. Yuusuf: Yuusuf Samatar Cismaan.
  7. Baargaal: Waa magaalo ku taal xeebta koonfurta Raas Gardafuy, waxay ahaan jirtay xaruntii boqor Cismaan.
  8. Boosaaso: Waa magaalo ku taal xeebta badyarada Cadmeed, waana xarunta gobolka Bari.
  9. Keenadiid: Suldaan Yuusuf Cali Maxamuud.
  10. Baraxley: Waa daw biyo leh oo magaalada Gaalkacyo xaafaddeeda koonfur-bari xiga ku taal.
  11. Ina-Diinle: Waa ceel Hobyo geeska waqooyi ka xiga, waxaa ka dhacday goob xun oo dhex martay Daraawiish iyo ciidamadii Cali Yuusuf Keenadiid.
  12. Burco: Waagii hore waxay ahaan jirtay ceel xooluhu ka cabbaan, haddana waa magaalamadaxda gobolka Togdheer, waxaa la abuuray 1910.
  13. Bullaale: Waa ceel caan ah oo ku yaal toga Jiiradeed oo Dhagaxbuur u jira 90 kiilomitir, kana xiga dhinaca waqooyi.
  14. Doollo: Waa todobada ceel ee Wardheer, Walwaal, Waafdhuug, Afyaraado, Uubataale, Garloogube, iyo Yucub.
  15. Turey: Ban diiran oo beerfalashada ku fiican una dhexeeya Qabridaharre iyo webi Shabeelle.
  16. Qorraxey: Waa tog weyn oo kala dhex mara laba ban.

Warka Badaha Laga Keenayo

Dagaalkii Jidbaalle ee Daraawiish lagu jabiyay markuu dhacay ka dib ayaa dadkii cadowga u ahaa ku digtay oo waxaa lagu billaabay xumo iyo waxkasheeg aan sal iyo baar lahayn. Taas waxaa keenay markii Daraawiish towsi ka muuqatay col iyo gaadde midna wax ka soo baxa laga waayey.

Usagoo Sayid Maxamad doonaya in la rogaal celiyo oo dagaalkii Jidbaalle Ingiriis laga aargoosto, ayuu olole iyo guubaabo kula dhex dhacay Daraawiish si duullaan loo humo, dagaalna loogu kiciyo Ingiriis iyo kuwa u adeega, wuxuuna Sayidku yiri:

Wararka badaha laga keenayee, beeshu ii warisay

Ee boonta Habaryoonis iyo, bogox ka soo dhoofay

Oo aniga bari iigu yimi, waan ka buubsanahay

Wax bishaara helaa waa ninkuu, beejey gacalkiise

Baar sare ninkii aan ka dhalan, baahi baa diliye

Wax baylahdaa iigu wacan, waa badeen xumo e

Daraawiish ninkii bili u falay, waw badawnimo e

Siday boqorradii uga lumeen, biin cad baa haraye

Buruud luguma oga wiilashaa, baacin laafyaha e

Bilcaan dumara baha dhowra oo, wada baraaraysan

Aqal bilic leh oo lagu bayiday, baarro iyo xeero

Barni iyo bariis iyo xalwiyo, budo la iidaamay

Bilcooshaan xariiriyo baftiyo, khayli baro weynle

Sange buuran bari dhowr casoo, bulushku laadlaado

Bilbilaha maqaanaha sitaac, shaalka laga buuxshay

Baqas ariya boqollaalka geel, baarqab iyo goolal

Baqar lo’ ah banaaxiga gugii, bayddi iyo raaxo

Barwaaqada adduunyada ah bay, barako moodeene

Baabkii Ilaah iyo sharcigii, laga baxaayowye

Burco Laaran1 buu tegi, ninkaad beri u yeedhaaye

Nin waliba sidii baadi geel, naga banjoogowye

Ballanfure kuwii aan lahaa, boowayaashaya e

Burris bay ahayd dhaar waxay, boholo jeexeene

Wixii ay billaahida mareen, beenshe taladiiye

Qaylada bayaankaa haddii, buunka lagu yeersho

Birmadkii la soo yaaci jiray, haatan laga baadye

Waxa baaqa lagu diidaya, waa baraad li’iye

Aarkuba wuxuu balacsadaa, boodda ka horowe

Bakowyada intay looshadaan, beri ma doontaane

Nimankii banaaggoodi jaray, baafin ma hayaane

Raga haatan baashaali waw, baraq nugaylkoode

Baasaha colaadeed haddii, belel ku qiiqaabo

Banaadiiqda nimankii la dhacay, beegsan ma hayaane

Sidii ari bulaad galay raggii, buuradk u jiifay

Baqalyuhu ragguu cunahayee, boobay hilibkiisa

Marna kama biriiryaabayaan, baalcaddii shalaye

Buuhabuuhadii laga tegiyo, babul-kicintiiye

Booley ahayd faan waxay, bedertamayeene

Goortii loo bareeray ciyow, balow yiraahdaane

Anigaaba baaloon hayee, baarax baa dhacaye

Waa baydad nimankii la dhigay, Buura dhinacoode

Baqahii Jidbaallaa2 ka dhigay, baali caana lehe

Nimanyahow si baas baa qalbigu, ii balbalayaaye

Sidaan bariidaad cunaa wadnuhu, way bugleeyahaye

Badankayga waxa saas u galay, boohin iyo ciile

Buska wax igu riday gaaladii, balagta dheerayde

Wuxuu beerku ii ruxan raggay, baga u laayeene

Waakaa waraabuhu ka bogan, burunjidaydiiye

Raggii aniga ii burin lahaa, waa bud aakhiro e

Eebbow baqdhoos ba haraan, biidna tarahayne

Bulge iyo waxaa ii arrimin, buqulkii3 gaabnaaye

Eebbow birtaan rabin sidii, beydaroo kale e

Eebbow berriyo saaddambaan, bixitamaayaaye

Eebbow waxaan sii biglayn, biliqda deyreede

Eebbow boqoolaannu nahay, aniyo Boodeyse4

Eebbow Burciyo5 Looyo6 waa, beled amxaaraade

Eebbow barqaan mari karaa, Beeratiyo7 Siige8

Eebbow xaqaygii bulmaan, baafinhayaaye

Eebbow ba’naan kuma jiriyo, baaddil iyo qooqe

Eebbow biddaha ii horee, baqalka Iiddoore.

*Waxaan ka qoray Darwiishka la oron jiray Cabdi-Yaar, Cali Guuleed 1955.

1. Gaal Ingiriis ah oo Burca xukumi jiray.

2. Jidbaalle: Waa goobtii shanaad ee Daraawiish iyo Ingiriis dhex martay 1904, waxayna ka dhacday dhooddida Nugaaleed bartamaheeda meel Laascaanood waqooyi ka xigta.

3. Ibraahim Buqul: Wuxuu ahaa la taliyaha Sayidka, ammaanduulaha ciidamada Daraawiishta. Waxaa lagu dilay Bixin (Garoowe) 1919, waxaana dilay ciidamadii Ingiriiska.

4. Boodeys: Waa faras ka mid ahaa fardaha Sayidka u gaarka ahaa.

5. Burco: Waagii hore waxay ahaan jirtay ceel xooluhu ka cabbaan, haddana waa magaalamadaxda gobolka Togdheer, waxaa la abuuray 1910.

6. Looyo: Waa meel u dhexeysa Burco iyo Shiikh.

7. Beerato: Waxay u dhexeysaa Oodweyne iyo Burco.

8. Siig: Waa ceel u dhexeeya Mandheera iyo Cadaadley.

Cali-Geri Aboodiga Ku Lalay

Markuu gembigii iyo jihaadkii galay degmooyinkii faraha badnaa ee Ciid iyo Hawd fadhiyi jirey oo tuurihii geela lagu dhaqaalayn jirey cidla iyo waaqla noqdeen, ayaa Sayidkii ka tiiraanyoodey, dabadeedna gabey buu mariyey, wuxuuna ku tilmaamay sida dhulkaasi jeer hore ahaan jirey iyo siduu maalintaa ahaa.

Afka bari ishaa bogox intii, arar Nugaaleeda1
Iliilaha bannaan iyo intii, edegga ciideeda2
Axad kagama sii harin wixii, uduba oo yiile

Caligeri aboodig ku lalay, abax ka sooryooye
Iqliil weeye madhan qayradii, oomanta ahayde
Afar iyo afqaaqlaa ku dhacay, araxya weyntiiye

Ifku kama balbalo tuurihii, oollinka ahaaye
Meeshuu aboornimo fadhiyey, laga alaab qaadye

Hawdkii ugbaadsaday, horweyn kuma ilaashaane
Uma ooho geeyaan markii, aarankii lumo e
Shisheeyaha araarimaha yaal, kuma ugaayane

Eegida horjooguhu cishaha, sooma oriyaane
Xeryo gaallo la isaga ag dhigay, uma adkeeyaane
Irridaha markii aasku dumo, kuma afuufaane

Ibdarta iyo dhowtada ratiban, ugar ma siiyaane
Ardaayada golaa kala rogrogan, uma asteeyaane
Uleexida haleelada tircayn, il uma gooyaane

Aarsaydha oonyaha gudgude, ubuc dugaag jeexa
Ilka horror abeesada qallici, halaq uraa leeb ah
Ulbistuur anaaniga dayaca, alaba jeerraanta

Eynfaadka baadida tagtow, adadac buubaalka
Abid maqan intaha raadiskay, axal ka duugoowdey
Akhbaar raadis urur naadinteed, idan ku yaahaynta

Ambaqaadka taa uma ekeyn, aniga hay saarin
Summad awdka sawraca ankari, eedda iyo dhaarta
Asaraarka eexada danbiga, shiru aguugeynta

Guudaan amnaca shiil armaca, luqun inaatowga
Inqiis naas ah iin cararjidow, gudur ufaayowga
Ubad jaalla ahaan baaqatiyo, dhicis ammuurayska

Ammaankow gandood eel ragaad, arami naafowga
Ammaanguud anaashiga dhukaan, axadh xaraarowga
Uhda dhugato roor, ababa’leyn, ol iyo geegaarka

Alleqabe kud eertaa qadhqadhi, shilin aseebaaga
Aafaa samaawiga Allow, naga ammaanayso
Aammiin ma buuraan intay, duco allifaane

Kuma aduurdhabaan baarqabbadu, abasaxeeddiiye
Shimbiruhu markuu doob onkodo, ma awanayaane
Abeerrada tifrimay goojadii, lama ammaaraane

Qorracxdoo abbaar le’eg markii, oodda laga jiido
Kolkii kuraygu eyrada hayey, kala aqoolmayso
Ulaha uma boobaan intay, tiro abyoodaane

Kobtii shalay irmaanku ugu baxay, aladii fooca
Arbaxaale3 goortay tagtoo, aayaddeed dheregto
Aamminkii la baraqmaali jirey, ma arrumaayaane

Eydaarteeda oo fool la dhici, ma antaweershaane
Goortay ummuliyaan murkaha, kama abeeyaane
Abur xoor leh kama soo lisaan, ibagaleenkiiye

Masaakiinta agaheeda tuban, ma ajareystaane
Unuun uma jaraan qaalmihii, eydinka ahaaye
Cayuuntaan ilmaha loo dhigayn, kama uneexaane

Waxay abaxa goysaba markay, ohin carraabyso
Afdhuubyaalaheedii durduro, ma ambaqaadaane
Sidii ay iblays tahay xuruun, ma umbulleeyaane

Jiilaal aleel ka cad hadday, acabtin doonayso
Markay uudka kore laasatiyo, abaqa baarkiisa
Iyadoo idiin ka cas markay, oon la soo degato

Intay yeel aslaan ceelashii, uma aroorshaane
Awaaliinka kama soo shubaan, ilaha Caymeede4
Alalaaska heestii darkii, kuma olkeeyaane

Awr qaada iyo gool ahmiya, ma aldaxaayaane
Abidkoodba kama sooryadaan, alaxa caanoode
Niman baa uquun kagala tegey, ilindiddoodiiye

Eebyaha ma soo rogan markii, ibilku tuuraye
Anaa eegiyey dhicin lahaa, idam Ilahaye
Wax arsaa’iilkood galay markay, ferenji aadeene.


 

*Waxaan ka soo guuriyay Xareed Duubi Deero.
1. Nugaal: Waa waadi dherer iyo ballaarba leh oo Cayn iyo Saraar ka soo rogmada, xeebta Aylna badda Hindiya kaga dara.
2. Ciid: Waa dhulka ciidda guduudan leh ee oomanaha u badan.
3. Arbaxaale: Waa balli xoolaha u fiican oo Buuhooddle geesta Hawd galbeed ka xiga.
4. Ilaha Caymeed: Wuxuu u jeedaa togagga ama faraha ama ilaha ceelka Caynaba dhinaca hawd ka xiga oo geelu jiilaalkii ka soo arooro.

Ogaadeen Haddaan Ahay

Cali Aaden oo ku magic dheeraa Cali-Dhuux, kana mid ahaa raggii inta Daraawiish ka tegay ka soo horjeestay oo had iyo jeer Sayid Maxamad ay is warmayn jireen, gabayo cay iyo aflagaado ahna isu marin jireen, ayaa Sayidka gabay cay iyo diradiro ah u soo mariyey. Gabaygaa halkudhiggiisu wuxuu ahaa “B”.

Allahu akbar eedaanku waa, kaa afkiyo beene
Ashahaaday gaalkubase waa, ehelunaarkiiye
Ubbo-weesta waa kugu arkaa, agab salaaddeede
Asaxaabihii-olol ku dhace, wow abtiriyaaye
Hadduu uurka kaa jiro wardigu, kaama orodneene
Abtiyaaladaa iyo ku nacee, ururki reer Kheyre
Arbrow Jaamac iyo Aaden iyo, Oogle ka tage’e
Waxaan uubateeyaha tolkay, oodda soo jabiye
Axmaqyahow kuwaad ku amranayd, idinka maaheyne
Waa uur gaslow Aaden-Dhagax, odoyadaadiiye
Abtirsiinyadaa waxay gashaa, eyda reer Xamare.

Mar kale Cali-Dhuux isagoo isku diraaya Sayidka iyo Cali-Geri oo ahaa nimanki dariiqada iyo jahaadka diirka u ahaa, wuxuu yiri:

Arxan nimaan u gelihaynin oo, ina Ogaadeena
Aabowda uun bay hayaan, kii arsaa’ilaye

Sayidku wuxuu ahaa afmaal aan hadal laga badin, gabyaa maansada aan lagaga daba dhufan, isagoo hadaladaas Cali-Dhuux ka jawaabayana wuxuu yiri:

Aw Yuusufoow erey yar baan, ku erganaayaaye
Hadduu Eebbahay kuu idmaad, ururta weyn gaadho
Ikhwaanoow adkee xaajadaan, kugu ammaanaystey

Ku ansaxi halkii aan ku iri, aadna ugu fiirso
Gurraasiyo Iljeex iyo u sheeg, nimanka Iiddoora
Ogaadeen haddaan ahay dad wow, amar korreeyaaye

Oo ubaxa baarkaan ihiyo, awrta Haashima e
Abtirsiinydey waxay gashaa, odoyo waaweyne
Halkaan uga arooraana waa, odaga Daaroode

Rasuulkii udgoonaa waa, ina-adeerkay e
Sayidkii Axmed ahaana way, awow ruma e
Ibraahim-Rashiid1 aabbahay, odagi weeyaane

Asaxaabihii oo dhan baan, ehel waddagnaaye
Hadba anigu qoyskaan ahaa, loo irkanayaaye
Nin Amxaara mooyee intii, edge adduun joogta

Islaameedku wuxuu ii yaqaan, ehelu-kheyrkiiye
Aakhiro albaabbada jannaan, agabsanayaaye
Adiguna abbaanow midgaan, uraya saw miihid?
Saw kii Ilaahay necee, eyga qalay miihid?


 

*Waxaan ka qoray Obbokor Seed sanadkii 1972kii.
1. Ibraahim-Rashiid: Waa sheikh ka mid ahaa madaxa dariiqada Axmadiya.

Maantii Asaayuhu Dhacay

Galabti Gurdumi ee rag ku tashaday in Sayid Maxamad dabin loo dhigo si loo dilo, ninkii u digay oo magaciisa la oron jirey Cabdi Garaad Yuusuf wiil uu dhalay ayaa jeer danbe xaruntii yimid iyadoo dagaalkii Gurdami laga joogo dhawr sano. Kolkaasuu Sayid Maxamad wuxuu ku tashaday inuu wiilka ka abaalmariyo wanaaggii aabbihii u galay si wanaagsanna u soo dhaweeyo. Markaasuu gabaygaan xarunta dhexdeedii ka tirshay si uu Daraawiishta u ogeysiiyo ama kula dardaarmo inanka loo samafalo. Wuxuuna Sayidku yiri:

Maantii isaayuhu dhacee, dunidu aafowday
Maantuu Ogaadeen sidii obo, i boobaayey
Maantuu adduunkaygii dhacay, ariyo geeliiba

Maantay Cabbaas1 ku ajaleen, awlixii waranka
Maantii Iblayskii Iljeex2, na ibtilaynaayey
Idilkiiba Subayr maalintuu, oboda ii dhiibay

Maantaan islaan iga naxiyo, ehel xigaal waayey
Arbow Ina-Garaad Yuusuf3, baa aanadey galaye
Waatuu akhbaartii i yiri, aaminka ahayde

Waa tuu isagu iiga degay, ooglihii farase
Inkastoo amxaaro u kacee, ferenji aanaystay
Usaga iyo ubadkuu dhalayba, waw abaal gudiye

Maruun baan amah bixi, haddaan iilka lay dhigine
Markuu roob onkodo baan lahaa, ilindidow geeye
Aroos iyo waxaan rari lahaa, awra jeexya lehe
Waxaan omoska sii marin lahaa, xamarro oog dheere

Usna manta keer soo ambaday, inankii weeyaane
Sidii aabbihiis oo kalaa, laga idaayaaye
Wuxuu iila ekoon yahay midaan, ina illaawayne

Alaakoodsha oo wiilku, yuu agab la’aan sheegan
Afka wuxuu ka dooniyo, wuxuu uur ka rabo siiya
Ninkii loo ixsaan falahayaba, iniq u dheereeya.

 


1. Aw-Cabbaas: Wuxuu ka mid ahaa kooxdii Sayid Maxamad Maka u raacday, kadib Darwiis buu noqday waxaana lagu dilay Gurdumi.
2. Iljeex: Xuseen Yuusuf Xirsi, wuxuu ka mid ahaa shirqoolkii Gurdumi raggii abaabulay.
3. Ina-Garaad Yuusuf: Garaad Cabdi Garaad Yuusuf, waa ninkii Sayidka u digay shirqoolki Gurdumi.

Eelkii Qabsaday

Darwiishka la oran jirey Cabdalla Shixiri wuxuu ahaa Xoghayaha Dibadda ee Daraawiisheed, wuxuuna ku hadli jirey afka Sayidka intaanu fakan, wuxuuna aqoon u lahaa afafka Ingiriiska, Carabiga iyo Talyaaniga. Hase ahaatee isagoo Cadan jooga ayaa Ingiriis xoolo badan ku bantookhay, kuwo kale oo joogto ahna u ballan qaaday haddii uu Sayidka iyo Daraawiish ku ballan furo, waana yeelay. Dabadeed, farriin qarsoodi ah ayuu u dirsaday xaaskiisii, caruurtiisii iyo xoolihiisii dariiqada joogay si ay xarunta uga soo fakadaan, markiise laga war helay Cabdalla Shixiri inuu ballan furay, lana ogaaday dadkiisii inuu fakanaayo, iyagiina waa la laayey xoolihiina waa la dhacay, Sayidkuna gabaygaan yar ayuu u mariyey:

Eelkii qabsaday reer Catoosh arax gariirtaaba
Ilma daadisaa iyo sidii aar u oroddaaba
Afka duubtaayaa iyo gafuur umal taagtaaba

Isku eebataa iyo nin kale eed ku dadabtaaba
Ardiyeysataa iyo dillaal oon ka dhigataaba
Ingiriiska eygaa sidii Eebbe baridaaba

Nin ibtilo ku dhici baa tahaye urug la taahdaaba
Amminkii habeennimo hurudada alad booddaaba
Raggii uu waraabaha abxaday agas u qaaddaaba

Asay xidhatayaa amase weer, kugu abaadyaaba
Ashkatootayaa iyo warqado ku andacootaaba
Ararihiyo dibaddaa martoo naga ufootaaba

Awtaamisaa iyo sidii geel o oloshaaba
Arki meysid ina-Shixiryow1 inamadaadiiyee
Adiguna amxaar baad tahaye ehel nijaaseede.

 


*Waxaan ka qoray Aw-Daahir Afqarshe.
1. Cabdalle Shixiro.

Jidka Adari Loo Maro

Guyaashii dagaalku ka dhex socday gumaysigii Ingiriisku madaxa u ahaa iyo Daraawiish, dagaalkiina dhulka Soomaaliyeed gees walba ugu fiday, ayaa dad badan oo Soomaali ah gumaysigii raaceen iyagoo u adeegaya. Markii weerarkii, gabagabihii iyo dooxatadii bateen, nabadgelyadiina geed dheer oo aan laga soo rogi karin lagu laalay, oo ay Daraawiish iyo dad intiisa kale noqotay. Afxumadii iyo edebdarradiina ay tardhaaftay ayaa Sayidku gabaygakan tiriyey. Usagoo dadka colka u ah u gooddinaya, ama Daraawiish ku goobaabinaya dagaal iyo aargudasho, una tilmaamaya dadka uu doonayo in lagu duulo ama waxyeello loo geysto, gaar ahaan Ingiriis, Amxaaro iyo dadkii raacay ayuu yiri:

Xuseenoo ikhwaan baynu nahay, uur ka soo baxaye
Allaa igu ogoo waa rabaa, aynigaad tahaye
Oroh kalana waa eray yaraan, kuu erganayaaye

Wax alifka lagu qaadayaa, aayadaha diine
Waa kuu iftiimayn sidii, oogta waaberiye
Afar halaan kuu alaladey, balaan adiga kuu sheego

Haddii aanan Majeerteen sidii, ari u iideynin
Ararsamiyo iiddoor haddaan, iranka loo qaadin
Oo aanan irbaha dheer ka jarin, eyda reer Hagara

Awlaxa haddii aanan la dhicin, niman Ogaadeena
Nin ankiray shareecada haddaanu, eedin taladiisa
Kii oroh xumaan jiray haddaanan, aabbe kaga yeerin

Ololaha colkaan wado haddaan, laga ashaatoobin
Jidka Adari1 loo maro haddaan, laga ugaaroobin
Meesha iyo Iimey2 haddaanan, weerar ku ekaynin

Ilkadheere3 iyo Luuq4 haddaanan, lagu awaareynin
Ajiga Waama joogow haddaan, oloku soo gaarin
Adduunyada haddii anan ka shabin, tan iyo Aw-Dheegle5

Nin adduunyo foofsada haddaan, uunka laga waayin
Bullaxaar6 agteediyo hadaan, Awdal7 yaacin
Ooryaha Amxaaradu haddaanay, Cadan ka awlaynin

Ingiriiska eyga ah hadduusan, baqe ku aynfaadin
Goortaan awaawiyo hadduusan, oogsan oo cararin
Agabtiyo haddii uusan qubin, aaladdiyo seefta

Haddii aan islaaxi Berbera8, lagu abaaroobin
Oo anan albaabada qufulin, ila xirkii daarta
Oo ayan eber noqon kobtii, la istareexaayey

Igarriyo9 haddii aanu rag kale, aakhirow hoyannin
Oo aanan sidii aar libaax, wax u unuun goynin
Soomaaliyoo idil haddaan, laga imiil qaadin

Ab uu yahayba aadamigu haddaanu, eeratuu diririn
Oo aanan u aar gudin raggii, naga afdhowraayey
Allaylehe islaan baan ihiyo, umalku waa beene.

 


 

*Waxaan ka qoray Cabdi Axmed Tuuhe.
1. Adari: (Herer) Waa magaalo ka mid ah kuwa ugu filka weyn Soomaaliya. Taliskii Axmed Gurey waxay u ahayd xarun, xagga islaamkana horukiciisa caan bay ku ahayd. Hadda waxay ka mid tahay dalka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho.
2. Iimeey: Waa buur go’an oo ku taal webiga Shabeelle xaggiisa sare. Daraawiish baa degtay 1920 oo ka dhistay laba daarood oo dagaal waana meeshii SAyidku ku geerioodey oo lagu aasay.
3. Ilkadheere: Waa tuulo webiga Weeb la yiraahdo ku taal oo Lebishilindi iyo Hilimadow u dhaxeysa, jeerkii horena xeri fadhiyi jirtay.
4. Luuq: Waa magaalo caan ah. Waxaa loo yaqaan Luuq-Ganaane, waxayna ku taalla webiga Jubba bartamihiisa.
5. Aw-Dheegle: Waa magaalo webi Shabeelle ku taal oo u dhaxaysa Afgooye iyo Jannaale.
6. Bullaxaar: Waa magaalo fil weyn oo ku taal xeebta u dhaxaysa Berbera iyo Saylac.
7. Awdal: Waa magic waayadii hore la oron jirey Saylac.
8. Berbera: Waa magaalo fil weyn oo u taal xeebta badyarada Cadmeed.
9. Igarre: Xaaji Muuse Igarre. Wuxuu ahaa la-taliye Ingiriiska daacad u ahaa, ciidamadiisana ka tirsan, waxaana lagala tashan jirey arrimaha Soomaalida, gaar ahaan Daraawiish iyo sidii loo baabbi’in lahaa iyo sida dagaalka loo maammulayo.

Ismaaciil Mirow

Ismaaciil Mire oo guuto Daraawiish ah oo korjooga ah ku haysta buurta Ceeldhaab, dhulkana wax degma ah aan lagu ogeyn ayaa ilaalo diray, dabadeedna wuxuu ogaaday inay tahay degmo Daraawiish dakana ka qabtay oo guban ka soo baxay. Kolkaasuu Sayidkii wuxuu u diray gabay farriin ah oo wuxuu yiri:

(A)

Aabbow xaqeygii ma deyn, igana duugowye
Nimankii ikhwaankii dilaa, meel dhow soo degaye
Dabka xalay badweyn iiga baxay, waan ku diirsadaye
Dantayna ma aha inaan daayo oo, dib uga laabmaaye
Raggii aan la dibad meeri jiray, doorkii laga laayey
Kolkii shalay Ammaan laga dilay, dib isu laabeene
Waa daaluqsaday Xaashigii, ugu da’ weunaaye
Ducaaliyo ma wadin Jaamac-Cudur, inay dambeeyaane
Kollay habrey dooxdaan Ilaah, deeqi waa badane
Duullaanka may soo baxshaan, dagay kufaarkiiye.

Gabayga Sayidkii markuu maqlay, waxaa u muuqatay hadalkaasu inuusan Ismaaciil ku habbonayn, oo uu dadkii kala didiyey, dabadeedna wuxuu jeediyey canaan waayeel, wuxuuna yiri:

Ismaaciil1 Mirow taladu waa, eyddin kaa maqane
Maandhow umuurtaadu waa, ababa’deediiye
Maandhow adduun wuxuu ahaan, waadan idihayne

Maandhow aqoonxumadu waa, ku ambineysaaye
Maandhow ninkaan edeb lahayn, waa Allow sahale
Maandhow aqliga ha iska lumin, Eebbahay magane

Maandhow raggii aakhiraad, igu ohomsiinee
Maandhow sidii ibilka way, ololinaysaaye
Maandhow waxaad igu akhriyi, uurkutaalada’e

Maandhow ikhwaanki ma deyn, urugadiisiiye
Maandhow alleylkii dhaxaan, alaladaaye
Maandhow ilmada ha iga qubin, kaa afeeftamaye

Maandhow nin umal saaqayoo, ururxun baan ahayee
Waxaan awlaaxu rabinayaa, aarsi dirireedee
Maandhow awaal dagatey baan, aawilahayaaye

Maandhow Ducaaliyo2 Ammaan3, waayey araggoode
Maandhow kuwii iga ajalay, waa rkaa bixiye
Aniguba ayaamaan lahaa, ha isallaaweene

Maandhow abaabaa kuu wadi, abadankeygiiye
Maandhow dadkaad eriday baan, ururinaayaaye
Maandhow ooho baan oron sidii, aaran baadiyahe

Maandhow intay iigu iman, odayadoodiiye
Maandhow iliilahakaney, awr ku soo furiye
Maandhow berry soo ekaan, ari sidiisiiye

Maandhow ixsaan lagama tago, eed haddaad faliye
Maandhow ninkaad iniqdo, waa ku oggolaadaaye
Maandhow haddaan inamo raro, way i aaminiye

Maandhow idday waxaan ku bogan, waa irdha la’aane
Maandhow ninkaan aa’i, waw aamusahayaaye
Aflagaaddadaadaan ka baqi, inay ogaadaane

Maandhow sidii aarka dhici, waw iigalaclayne
Maandhow ilaaq baan ku wadi, aarankaan diliye
Maandhow ku eersaday hadday, iga ufoodaane

Maandhow ugaadhaba xirkaa, laga agloolaaye
Maandhow urtaan mari sidii, adamaddoonkiiye
Maandhow arbaha ha iga didin, oofataan ahaye.


 

*Waxaan ka qoray Aw-Axmed Aaden Surgo’.
1. Ismaaciil Mire: Wuxuu ka mid ahaa ammaan-duulayaashii ciidamada Daraawiishta, wuxuuna ahaa raggii dagaal iyo duullaanba wacdaraha dhigay goobaha badankoodna galay.
2. Ducaale: wax yaqaan lama helin.
3. Ammaan Axmad Aaden.

Saw Ma Aha?

Muslin iyo gaalba dadkii Sayid Maxamad Cabdille ka gees ahaa waxay ku tilmaameen inuu dawgii sharciga ka tallaabsaday oo dil iyo dhac u bareeray dad wixiisna xalaalaystay.

Haddaba isagoo ka warramaaya naftiisa iyo ujeeddadiisiiba xagga islaannimada, Ilaahaqoonta, xagga jihaadka iyo aftahannimada, deeqda iyo xagga walaalnimada ayuu Sayidku gabaygaan mariyey oo wuxuu yiri:

Nin Ilaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaalaaya
Ashahaado loo qoray nimaan, kala illaaweynin
Oo aan inkirihayn xaq waa, la oggolaadaaye

Nin salaadda awqaadda, faral u addimoonaaya
Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya
Oo aan afurin soonku, waa bilaha iideedee

Adduunyadiyo xoolaha ninkii, aragti dhiibaaya
Oo inuu ohay yiraah, ka istixyoonaaya
Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin

Nimaan diinta aafo u galayn, aakhiruu sabanka
Oo aan amxaarada sidii, obo u yaaceynin
Oo gaalka ooradu ku taal, u askareynin

Nimaan abuurka Soomaaliyeed, ka anfi taageynin
Oo aan ajuurada kufriga, ugu adeegeynin
Oo aan ardiga beesadeed, u ashtakoonaynin

Nin jihaad ohoominahayoo, ubaxa loo saaray
Ingiriiska eyga ah ninkii, ugu uneexaaya
Oo libin ajri leh soo heloo, or iyo geeraar leh

Nimanyahow aqoonxumadu, waa ardaalnimo e
Asaraar ma fiicnee, runbaa lagu arooraaye
Ninkii aynigaa lagu yaqaan, aw islaan ma aha?

Shir aguugay waayeel abyamay, talo ashaaddowday
Irda jiqa albaabo isku xiran, eel la bixin waayay
Xaajadaas afraha duubatee, loo olmami waayay

Nin aqoon leh aw iyo haddii, odaya loo saaro
Inkastoo ayaan iyo ayaan, lagu oloollaado
Ninkii maalitaa ka arrinshaa, aaqil aw ma aha?

Wiiwiida qaylada haddii, uubatadu yeedho
Sangootida ilwaadda leh haddii, agabka loo qaato
Awaaraha buska leh maalintuu, Xamar abraaraayo

Maantii warmaha oofta iyo, adhaxda lays gooyo
Maantuu aboodigu ku lalo, ubaxa loo daadshay
Maantuu isaayuhu ka dhaco, idil dagaalkeeda

Maantii fuluu naga ordo, alaba soo rooro
Maantii raggaan loo ilayn, naga ugaaroobo
Maantaa ninkii aarsan sow, aarka dhacay ma aha?

Nimaan edabdarroonayn xil, waa laga ajoodaayee
Aflagaadda aan jirin, nimaan kuula imaanaynin
Oo kaa asluubanahayoo, kaa istixyoonaaya

Ab uu yahayba aadniga ninkii, same ekeynaaya
Abtirsiinya kii xigay nimaam, iniq u dheereynin
Addoomaha Ilaahay nimaan, kala irdheyneynin

Ninkii aammusoo shib ah haddii, erey xun loo geysto
Aan kula ekeekamin intuu, urur ku soo joojo
Aan xaajo awgeed la gubay, ubucda jeexaynin

Anfaaciga adduunyada nimaan, ku anfariiraynin
Oo xeeryo soor lagu akhatimay, ibir ka yeelaynin
Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siineynin

Intuu aqalka baanjiyoo, nimaan aradda guuguulin
Aagaanta ciirta nimaan, aaska dhigaynin
Oo aan qumbaha awdinoo, ilaxirkow jiidan

Aaqibadii loo galo nimaan, kala illaaweynin
Oo kuu ixsaan fali intuu, edge adduun joogo
Oo aan abaaldhaca aqoon sow, akhiyaar ma aha?

Ari badan lo’ iyo geel intii, mulug adduunyaada
Ugub dhalaya qaalmaha umulee, laga unuun gooyey
Eeraan fardood iyo gammaan, aradka duulaaya

Aqal weyn aroos bilic leh oo, ilaxir loo yeelay
Inan quruxsan oo lagu ashbahay, uunsi iyo kheyli
Oo qool asliya loo gashoo, jalamtu eedaami

Nasteexiyo wanaag nikii, ilindi kuu keenay
Umuurtii aad leedahay ninkii, kuu abaynaaya
Adduunka iyo aakhiro ninkii, kuu aslaaxinaya

Ninkii maalinta iillaan tahay, aana kugu qaata
Oo aan abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin
Itaal xumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha?

 


*In kastoo aan niman kala duwan ka dhugsaday, haddana gabaygaan waxaan ka qoray Xaaji Maxamad Ileeye 1956kii, wuxuu ka mid ahaa raggii xarunta ku haray waxna ku bartay. Waxaan Xaaji Maxamad kula kulmay ceelka la yiraahdo Dhallaama-Cune oo degmada Buuhoodle ku yaal.