Category Archives: Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

Xuseenow Jikraar Lama Hadlee

Jiinley

Dagaalladii waaweynaa ee Daraawiish iyo Ingiriis dhex maray  iyo goobihii ba’naa ee laysku helay oo ay ka mid ahaayeen Afbakayle, Caanaxarigle, Oodagooye, Fardhiddin, Beerdhiga, Cagaarweyne iyo Daratoole markay dhaceen, intaas oo gooboodna ay Daraawiishi ku wada lib heshay, xaruntuna markaa taallay Wardheer  iyo Walwaal, Ingiriis, Talyaani iyo xabashina dagaalka Daraawiisheed u heshiiyeen nin kastaba itaal meeshuu ku gaaro, dagaal iyo dirirna loo guddoonsaday, ayaa Sayidku u yeeray nimankii qusuusidda ahaa oo uu la tashan jiray. Wuxuu u jeediyay talo oo wuxuu yiri:

Xoolaha aynu haysanno waxaa u foolaada fardo iyo geel, dalka aynu joognana waa oomane haddii go’aan biyaha Wardheer iyo Walwaal inakuma filla, cadowgeeniina koo ma ahee waa kan, ee maxaynu yeellaa?

Taladii haddii la falanqeeyey ninkii tiisa loo guuxay wuxuu yiri: “Dad cadaabeed, dal cadaabeed baa laga galaa.” Hadalna wuxuu ugu ku iblabeelay in ergo loo diro boqor Cismaan, xaashi afdheerna loo sii dhiibo, lagana afdhowro, waxaana ka sii horraysay in Sayidku xoolo badan u diray boqorka, gabarna ka doonay.

Dhowr toddobaad ka dib ayaa ergadii soo noqotay iyagoo boqorkii ka sida xaashi uu ku leeyahay: “Soo guura garab iyo gaashaanba wayga helaysaane, saddex hal oo Bari leeyahayna ugu soo guura:

  1. Buur dagaalka looga gabbado.
  2. Biyo maatada iyo xoolaha kuugu noolaadaan.
  3. Bad, dab, hub iyo xoolaba laga helo.”

Daraawiish haddii warkaasu soo gaaray, rarkii caykay hoosta ka geliyeen Bari iyo boqor bayna foolka saareen. Inkastoo ay Daraawiishi dhexda kala kulantay weerarro aan la filayn oo xagga Ingiriiska ka yimid, hayaan, harraad iyo kulaylna wax gaarsiiyeen, waxay tageen Nugaal.

Ingiriisku markuu taa maqlay ergo ayuu u diray Boqorkii wuxuuna ku yiri: “Haddii aad Daraawiish wax la qabsato ama taageerto, baddana waannu kaa xiri, dagaalkana adiga iyo iyaguba isku mid baad tihiin, dhulkaaga in lagu dagaallamana kuuma roona”. Taasi Boqorkii cabsi bay galisay sidaas daraadeed Daraawiish waa ku ballan furay, colna waa ka hor geeyay. Dabadeed Daraawiishi dhinaca koonfur bay u leexdeen iyagoo hal daan dheera iyo faras qoore-gooye ah ama geenyo ruqa ah mooyee xoole kale ka, ayay waxay ka tageen Ayl iyo afaafka Nugaaleed meel la yiraahdo Gelingaalle. Sayidku isagoo ka faallanaya rafaadkii gaaray yo dhibihii lasoo maray iyo ballanfurkii Boqor iyo duunyadii ka luntay ayuu gabay mariyey. Wuxuuna yiri:

Xuseenow jikraar lama hadlee, jaalkay baad tahaye

Adaan iga jadeer wicin, markuu jaahilkii didaye

Jahnoo adaan qaban markuu, jiitay gacalkaaye

Raggaan gaalo jeefaafi waa, ehel jaxiimaade

Jahannama inay galeyaan, weygu jaamaca e

Adaa jamalka soo raray markay, janan u guureene

Junna weeye ruuxaan ahayn, jaadka aad tahaye

Dadka kale ka jeestaye, adaan jaarri kuu ahaye

Waxaan kaa jarreereynhayaa, sanada jiilaale

Sagal jiidan caad jilicsan iyo, jarar hillaacaaya

Onkad jow leh, daad soo jimray, jahada oo khiintay

Jowjowlihii xalay sidii, jibin u guuxaayey

Jirka da’ay jalleysaha gugii, hara jidhaamowday

Jidhimaha afkaa marahayiyo, jababka ceegaaga

Jaqaqarida geedaha noqdiyo, xamashka oo jiiqle

Sidii jaawo dhane loo shubaan, jeelka kaa bi’ine

Waxaan kugu jalbeebinahayaa, jowhartii gabaye

Jawiskayga maqal caawa, waan jalalabayaaye

Jundigii xigaaliyo anoo, jooga gurigeyga

Anigaan jareexiyo iyo xumaan, juuq la ii orannin

Anigaan rag ii soo jifraday, jil iga qaadeynin

Anigoo jalaalada dhigtoo, diinta jibanaaya

Anigoo jameecada galoo, jaaruun xarunteyda

Anigoo wixii aan jantaba, jimic la ii siiyo

Jamradii adduunyada anoo, jimicnimaw haysta

Karuur jagagaclayn iyo anoo, jaanaka fuudahaya

Anigaan jarraysimo hunguri, la iga jeeqaanin

Jaanjaanni baa iga khatalay, johoraddeydiiye

Hawo nimaan ka jigan baan ahoo, jira dheer koriye

Waxaan ahay nimaan jare aqoon, sida jaguug awre

Jawaawida Majeerteen hadday, Jalawdi ii yeedhay

Inaan       joro kusii dhaho hadday, igaga jeebnaatay

Jiidaha Ilaahay haddii, la igu jeeraadshay

Xagar jiqa, jaleefan iyo qurac, jinow wax heeraaya

Jiqtoolaha galooliyo samraan, jarafku xiimaayo

Jimbac surad leh, jiiqa isku baxay, jiica siiqda

Jillab xanafle jowdheer qallalan, jabi xanuun weyn leh

Jirma qodax leh jiiqjiiq wax mudi, jeerin iyo yooco

Jirda badan jiroon iyo qaroon, jaaful iyo seeri

Jifka hawdka guurha waxaan, jar iska xooraayey

Wuxuu jeeni calaflow libaax, igu jiibaadaayey

Raadkaan ku jiillaa wuxuu, daba jadeemaayey

Jaldhaftiisa qoobka ah waxaan, dib u jalleecaayey

Jaajuusku geesaha wuxuu, jirayey ruuxayga

Waxaan jaamagaarkii cabsida, jimanka buuraayey

Wiyil joof leh iyo yey waxaan, jirif ku keynaanshay

Jinni qabe shabeel ihi wuxuu, igu jalaacaayey

Juq waxaan u soo iri dugaag, jalabutaynaaya

Wixii gaade jimic soola xuli, juhunkii ii muuqday

Jititaha hortayda waxaan, jaaha kala leexday

Wuxuu jiinka ii maray Midgaan, jilibka tooxaaya

Kobaan jeesna ooliyo waxaan, jarar ku aynfaaday

Jawo lagu harraadiyo waxaan, omos jibaaxaayey

Jugley igu dhawaaqdiyo wuxuu, galowgu jiiqleeyey

Jid abaara oo kulul waxaan, hilin ku jeellaaday

Juunaha xagaagii wuxuu, jaaha iga leefay

Jeedaaladii wuxuu indhaha, jiitay araggoodu

Jarmaadiyo carrababa waxaan, bari u sii jeeday

Xagla jalaqle laafyaha waxaan, jagac ka siinaayey

Jiitada masaafada waxaan, jimiyey tooxeeda

Jildhiskeyga saydhuhu waxay, jac iga siineysey

Jiriiricada oogada waxaan, jararacoonaayey

Cagta jeerarkeediyo waxaan, boqonta jeeraarshay

Jalfiska iyo qonofkii waxaan, jag isa siinaayey

Jiljilladiyo seedaha waxaan, jaaifo u geystay

Jirridkii xabaallaa wuxuu, jebiyey suulkayga

Jirriqaa abeeriyo waxaan, gocondho jeexaayey

Janqaraaro socodkii waxaan, jaynaf macaluulay

Jidaashaan u yeellaa wuxuu, jiirku iga suumay

Jilbis balaqa iyo good waxaan, jaanta kala boodey

Wixii aan ku joogsaday abees, jalafle oo duuban

Maska jiririqleeyaa wuxuu, jiiris igu dhaafay

Jambareera dhiciddii waxaan, jiifka qabam waayey

Hadba jimicsi iyo taah waxaan, jalaqa soo laabay

Jidiindhowga qabatoon waxaan, jiilka rogi waayey

Waxaan jiidha waaberi kacoo, jalafsadoo luuday

Jurmaadada aroortii waxaan, juhul madoobaaday

Waxaan dhagaha jawgii ka baxay, jibindhow moodaayey

Wixii aan jaruur galay waxaan, jowray badankeyga

Rabbi baygu jeefagay waxaan, jululay ruuxayga

Jaldhanka baahida waxaan, jalaqa heemaarshay

Haddaan Boqor jawaab iiga iman, bad uma jeeleene

Jirku ima xanuuneen hadduu, jog I leeyahayee

Jeclaantaan u qabay baan u tagay, jaankii badihiiye

Jeer baa Ilaah ii qaddaray, jiirahaan maraye

Jiidaha in meel loogu wado, jaahil baan garane

Waxse igu jirrabay waa, ninkii jookha ii lulaye

Cayuun jalalowleyn iyo raggaan, jeer fardaha siiyey

Jaamus lo’aad iyo raggaan, jimir aruu dhiibay

Amaan lacag jiriidaa furoo, jeebka uga buuxshay

Waxaan gool jinaad weyn qaloo, joome uga gooyey

Xeeraha jiriidhaa waxaan, jaari ugu qaaday

Waxaan ramag jimiimici murkaha, uga jufsiinaayey

Waxaan ilaxir jeexya leh aroos, jalalamluu hooyey

Jirjir malaba iyo foon waxaan, jil uga yeelaayey

Waxaan jaawiduu shiday intaan, jalamadduu shaahshay

Nimankaan jalbeebtooda gole, jurux ka dhowraayey

Inay jarax abaala iiga dhigi, laabtu jirin meyne

Jisadeyda Eebbaan ka heli, talaba waa jeere.

Waxaan ka qoray Cabdi Cali Guuleed, Cabdi-Yaar. Waxay isku ujeeddo yihiin gabayga 95.

Tuurwaayow Toban Hal

Guyaashi Daraawiishi qalcadda “Jiidali” ka dhisatay ka dib ayay madaxdoodii waxay la ahaatay dalkii Ceerigaabo ee buurta iyo bannaanka isugu jiraa inuu ka fiican yahay dalka Nugaaleed xagga dagaalka iyo daaqaba. Dabadeed, waxaa guddoonkii ku go’ayin xarunta loo raro Jiidali oo Ceerigaabo 25 mayl dhinaca bari ka xigta.

Haddaba Sayid Maxamad isagoo u warramayey madaxdii degmada dalkaa fadhida u talinaysay si ay Daraawiishi gacan iyo gargaar uga hesho, nabadgeliyo iyo walaaltinimana loogu wada noolaado, ayuu geeraar toban qodob ka kooban u diray intaan la guurin. Wuxuuna Sayidku yiri:

Tuurwaayow1 toban hal oo, ta’da looxa ku taal baan,
La tawaawacayaayee, bal tixdayda dhegaysta

Jannadii aan tagnoo, cadaab yuunna taaban,
Tubtu baan oran maanta, toobad mayla gashaan?

Tub dheer baan ku socdaayo, tababaalaa i wadda oo
Ciddaan soo temedshay, tol ma ii noqotaan?

Shisheeyaan ku tallaalmayoo, tasow baan ku maqnaa
Haddaan tuurtay dushiinna, xaggaan awrta tu’shaa?

Muslin weys temmedshaayoo, ninkay towsi ka laacdo
Turuggaa la qabtaaye, tiir ma ii noqotaan?

Abaal waa la tabcaayee, haddaan teeyada geela
Tammin weyn idin siiyo, wax ma lay tarayaa?

Turufleyda amxaariyo, nimaan ii turahayn iyo
Tiirri baanu collownaye, taag maxay hidisaan?

Haddii ay taladeenniyo, tofiiqdeennu heshiiso
An tabays ma aqaanne, adna taar ha waddayn

Tumbuujooyinka hoosiyo, tahluukooyin qarsooniyo
Tuugo aan damihayn iyo, talo baas naga daaya.

*Waxaan ka qoray Aw Cabdulle Ibraahim, tirada gabaygana laba tuduc baa ka maqan.

1. Tuurwaa: Muuse Turwaa, Cismaan Turwaa, Jibriil Turwaa.

Xuseenow Tabtaan Ahay

Gabaygan ta’da ah gugii la mariyey iyo ujeeddadii loo mariyey midna wax si fiican noogu tafaftira Daraawiish kama helin, wuxuuse na tusaaleynaayaa in Taleex lagu tiriyey, ujeeddadiisuna ahayd faallada adduunka iyo dadku wuxuu ku kacaayey markaas. Waxaa laga garanaayaa tiiraanyo, caloolxumo iyo tahara ceeriin oo Sayidka kaga yimid xagga Soomaalida. Mana dhamma sida gaadaalkiisa dambe laga garan karo. Wuxuuna Sayidku yiri:

Xuseenow tabtaan ahay haddaad, tu iga weydiisay

Tiiraanyadeydaa ku dili, tabada’eediiye

Maandhow wax lama taaqsade, toobso hadalkayga

Tixdoo keliya talo looma filo, taawada adduune

Tammadkii wax lagu iibadaan, taabud noqonayne

Tumun ribixa adigoo helaa, tiilku kaa dhiciye

Tabaalaha adduun baa ka badan, timaha xaadeede

Toogada dhibaatee laga qabo, tarabka weeyaane

Ragba towsta waa kula qabaa, taaha urugeede

Wax la taabay tacab baaqday waa, tarantar seeraare

Taageerka sicir baa ku iman, teelgaraafyada e

Waxa taarka lagu soo waddayn, wa tis kuu qorone

Tu’i weeye aan jirin hawada, tararaxeediiye

In kastaad arlada taakisoo, tahan fogeysiiso

Tubtii Eebbahay kugu wadaan, tigin ku dhaafayne

Turgi xoog leh adigoo ah bay, tahartu heedhaaye

Tayrshuhu mar buu reydabaa, taagabtuu yahaye

Maruun baa tijaaltii lugtii, turunturrootaaye

Taysuhu mar buu kaa guraa, teelka caanuuye

Tuurimaha geela mar baad, tuludna weydaaye

Maruun baad tirsaaskii hunguri, tigidhku rooraayee

Liishaanka toogta ah marbaad, tumul la weydaaye

Tuuryadu marbay leexataa, taakaleel tahaye

Maruun baa tumaatiga warmuhu, turuqa seegaane

Geesigii tilmaanna mar baa, fulay u tookhaaye

Nin tabiinno kuu guri jiraa, kuu taltaal noqone

Nimaan adiga kugu toosin baa, kuu takhaashamiye

Tafantoofka cayreed mar baa, laga tanaadaaye

Towqad xumo mar baa laga baxaa, talo Ilaahaye

Tarood xoolo laga buuxiyoo, taajiraa badane

Tusmadhigidda hodontooyo waa, tarar dabayleede

Waa tiix qayood maray markuu, tegayo miiskiiye

Maruun baa tar kaa noqonahayaa, tulushle meertaaye

      

Toddob da’ay tigaaddoo baxdoo, talaxu dheeraaday

Tasaq xamada geeda istacoo, tal iyo laashuusha

Tobbog faraq leh teysali curjina, tiico iyo laamo

Takhwad sano ah tuutiga cayada, tuducyadii saarka

Tax caleen leh tiirsiyo dherjiyo, tooska iyo fookha

Tarrax ubaha tay iyo caleen, taliya cawlcawllan

Tarrar layra laama istabacoo, turuqu xiimaayo

Tab cambuula taambuli lohloha, takhad waliilaaya

Tureed khalada taarma isqabsaday, takhas cagaaraaya

Tumbuc bacada tamuux jilicsanoo, lagu tardhabaayo

Tirintiga turuubta iskuleged, doc isu tuureenka

Takardhabadka rays tamashadiyo, tacab-ku-raaxayska

Tagsan garaba toolmoon aroos, tuujin iyo qaab leh

Taltallaabsi toos ugu adeeg, tabaradii qoyska

Taf-ku-jiidka mara taabsashada, toosintiyo hooda

Shir tawalay tol soo wada kulmoo, amar la tookhaaya

Taxaashaynta toobeyn xarrago, tamashlihii geedka

Tartan beder darmaan tooxanoo, talow u soo boodi

Col tamuumay torog laysu guray, toga ku saanyoodka

Hor weyn tiro leh rimay tiirsanoo, togoxu weynaaday

Tajal awra qaalmaha tofrimay, korommo taambuuga

Tebis goola awr toban jiroo, dhebi ku teesaaqday

Togoyada maqaar loo sidoo, kuray ku tookhaayo

Barqa tu’iska toobkaha xumbada, toolinkiyo xoorka

Timir dhalay tanaagtiyo qumbaha, loo tigtiginaayo

Tirsiis ido ah sumal looga tegay, wanan tabaadaaya

Riyo toolin laga soo lisoo, tiriyo dheeraada

Tabiin badan qaraabooyin tuban, tuurcaddaha wiila

Haddii lagugu taakulo intaan, tiriyey oo sheegay

Waxaan adiga kugu taawilleyn, kuma taseecaane

Tufna kuma lilleeyaan waxaan, kugu tadcaareyne

Tunni kuu caddaawa ah mar baad, tabaro mooddaaye

Nin tusaaledage ahaa baa, kaa tawaan cuniye

Waa tacab-khasaar gaal ninkii, toobaddu wacaye

Adigoo tacliiminahayuu, kaa tartariyaaye

Goortii la taa’ibi jiraa, balo taltaashaaye

Tortooraha uraayey sidii, ey u taabiciye

Talgalkii xumaa baa futada, lagu tarraajaaye

Wax takoorimada loogu xiray, tarash najaaseede

Waxay kheyrka uga tooban, waa tootir iyo naafe

Ibleyskii ku tabantaabiyaa, taw dhe soo orone

Wax taggooda laga yeelayaa, tooci iyo naare

Tan baaruuda un bay ka qubi, tooxda badanaade

Teygari Caleed bay ka ridi, tooda nololeede

Tixintiga wiriiriga ah bay, tabaxsanayaane

Tallal’ay waxaan hurin ninkii, gun u tawaabayne

Nin ragaa ku tabantaabiyee, tuug abaal ma lehe

Goortuu tabiinada cunuu kaa, tubbanayaaye

Soomaali1 anigaa tamminay, tiilka ay tahaye

Anigaa tafniday meesha iyo, toban jirkeygiiye

Anuu iga ta’wiishaa ninkaan, tooda garaneyne

Waa wada tukiye fule hadday,rag isu tookhaane

Goortii la taabtamo dagaal, kama tix qaataane

Markii tooratooruhu kacay, sii tubbanayaane

Turufleyda gaalaad xarbada, uguma tookhaane

Goortuu kufrigu soo timley, sii tawalayaane

Waxsey sii tawaawici intaan, taabka loo imane

Tagooggood wuxuu jabay markuu, taabo xoolaha e

Taraaraha ku yaal oogadaa, lagu tibaaxaaye

Tiiriga sidii loola dhacay, talal ma daayaane

Waa tarikiin aan salaad, taqabbaleyneyne

Tukashada Fircoon baa ansixi, waa tu aan jirine

Towxiidka Eebbiyo sharciga, wayan taalihine

Talaabuucsanoow ferenjigey, talo ku raaceene

Waxay uga tabaabulahayaan, inuu taxuubshaaye

Sidii nirig tushuumaaya bay, daba tushleeyaane

Tacaddiga Islaameed ka jecel, timirtii doocaane

Daraawiishta teedahan ka neceb, tiirridoo idile

Intii ay tafriid uga dileen, toban lag weeyaane

Tif karaamo awgii lahaa, uma taxniigane

Ninkii ayan tooda uga biqin,uma turaayaane

Culimada tuxfaha yeerin waa, ugu tiraayaane

Sheydaan ninkuu taba baraa, malaha towfiiqe

Ka tasoobe dowgii jannoo, toobiga ahaaye

Waa wada tijaal looga tegay, togaggii naareede

Tuxle iyo gaadmo iyo khaatirnimo, taraddan weeyaane

Tax hilibo ah tebbada dhaansan bay, turugga saaraane

Muskuun bay tafaayaan intay, tafaha xaytaane

Wuxuun bay tafaafuli sidii, yibir sin taareede

Tuur talaadiyo dug bay, turub ku jeexdaane

Tamiin min iyo faal bay tusbaxa, tororogleeyaane

Tumaalliyo talaamiid ka siman, tololoh beenaade

Haddaad kula tacaashana run baan, laga taxniigayne

In kastay tallaahida maraan, waa tu’ aan jirine

Naagaha tigaaddii la furay, kama tegaayaane

Qiil tahanti uma saarsadaan, tiirisboodhaduye

Waxay kula tacaalaanba waa, tu’is qaxaabeede

Tiglawiligta sacab bay kurtood, tar u qalaadaane

Tuulada wax laga yeerin waa, toolin dhooblaha e

Taraawiixda soonka ah waxay, tumaan ciyaaraaye

Waa xaasid kuugu taamayoo, tiimbad kuu qoodiye

Sidii kadafka talantoola bay, foolka kuu tubiye

Waxaan kugu tilmaannaynna waa, kugu tasheegaane

Tiih iyo wareer bay qabaan, togagga rooraane

Taraar bay u jeexaan birtii, wada talfiiqnayde

Wax tafiqay qalbiga waa khamrada, taxarrankeediiye

Waa wada tin doofaar haddaad, soo tawaajihiye

Toojana uma dhiijaan martiga, soo tarbiicsadaye

Tumunna uma quuraan miskiin, soo tawaawacaye

Waa niman tijaaro ugu kici, tooskii Cadameede

Tuurtiyo tubtaa feerahaa, laga tantoobaaye

Waa niman tammaaniin caddada, laga ta’kiishaaye

Tewin cudur tukubo ciirad bay, tananahayaane

Waa niman talooboo wadnaha, tooba weligoode

Tabbaas guryaha taandhada xafiis, taagiddiyo nooda

Turjubaanka iyo daararkaa, taabtan loo yahaye

Waa niman taraajada afkii, toxobbo fuushaaye

Sagaarka iyo caanaddey, togog la meeraane

Ugaadhaa takhtiga Hawd jirtay, teedinahayaane

Iyagaa tan iyo aamanuu, tolonku saarraane

*Waxaan ka qoray Xaaji Cabdiraxmaan Sayid iyo Xaaji Daahir Seed.

1. Wuxuu Soomaalida halakan ula jeedaa intii aan Daraawiishta ahayn.

Tebiya oo Geeya

Xarunta Daraawiishta oo ku taal dooxada la yiraahdo Cadadheero, geeli iyo xoolihiina Nugaal gudaheeda fadhiyaan oo ay Daraawiishina ku xeeran tahay ayaa col xooladdoon ah Bile Samatar Cismaanna madax u yahay, kana soo duulay Bari iyo boqor Cismaan soo kor fariisteen. Dabadeed niman korjooge ahaa oo Daraawiisha ayaa colkii arkay, markiisna ka soo digey. Subixii dambe Daraawiish oo ciidansatay iyo colkii oo weerar ah ayaa is helay, halkaas waxaa lagu wiiqay ciidankii Bile, isagiina waa la qabtay. Sayidku gabay gaaban oo uu arrintaas ka mariyey, wuxuuna ku yiri:

Inaan Bile1 tagoogaha ka xiray, tebiya oo geeya

Inuu xaarka taallada ka dhigay, tebiya oo geeya

Inaad gaalo taag daran tihiin, tebiya oo geeya

Labamaarre2 inuu tiirsan yahay, tebiya oo geeya

Shanle-Dheere3 inuusan wax tarayn, tebiya oo geeya

Cabdirixiin inuusan tol helin, tebiya oo geeya

Daraawiishi inaysan turayn, tebiya oo geeya

In Astaadku tiir dhaaban yahay, tebiya oo geeya

*Wuxuu ahaa bawsi.

1. Bile: Bile Samatar Cismaan lama dilin waase al xiray.

2. Labamaarre: Waa buntuq yeer weyn oo Daraawiishi aad u haystay.

3. Shanla-Dheere: Waa buntuq shan xabbadoole ah oo Talyaanigu boqor Cismaan hadiyad ugu keenay si uu Daraawiish isaga celiyo.

Ba’a E Yaw Sheega

Nimankii taariikhda Daraawiisheed aqoonta dheer u lahaa waxay sheegeen, in 1905tii intii ka dambaysay, Daraawiishi dad iyo duunyaba sare u kacday, oo barwaaqo iyo baraare, baydi iyo raaxo heleen. Hase yeeshee niman la oron jiray Ararsame oo Hawd    galbeed fadhiyey ayaa Daraawiish far dheeraatay ku noqday Gabayo iyo geeraaro adiyad iyo aflagaaddo ah ayay ka deyn waayeen, dhac iyo duullaanna waa ugu dareen. Sayidku usagoo Daraawiish tusaaleynaaya nimankaa talada uu ka qabo, xikmad iyo murtina faallaynaaya ayuu gabaygaan mariyey, wuxuuna yiri:

Sange buuran oo baddalliyoo, gaadda balaxoobey

Oo aan biyiyo raaxo iyo, banaha caws waayin

Oo subag baqbeenaa la siin, bilaha jiilaalka

Meeshiyo baraarnimo hadduu, baadka miranaayo

Barwaaqadiyo geedaha hadduu, badhi ku laaqaayo

Baldhoolaha cagaarka leh hadduu, buro ku daaqaayo

Bus-ku-erida raacdada hadduu, buufis geli waayo

Sidii bagagi doora leh hadduu, bigigifluu rooro

Inaan bahalka laga soo xireyn, ba’a ee yow sheega?

Basar iyo wanaag haybadliyo, booddo iyo fuulmo

Beded iyo kebtityo raaxo iyo, buubsi iyo weerar

Inaan baqal fardaha gaarayn, ba’a ee yow sheega?

Hadday baatir geel kuu dhashoo, baaqimaad noqoto

Barooddada big caanood haddii, biidna laga waayo

In billaawe lagu soo xafsiin, ba’a ee yow sheega?

Lo’da beydideed waa hadday, baraq u joogtaaye

Barqamaha gugii baa xumbada, laga bursiiyaaye

Buqbuqoodka iyo ciirtu waa, beri samaagiiye

Boggan wuxuu insaarixin intuu, baarta cunayaaye

Jiilaal barraahsaday sacii, balafyey weyshiiye

Ninkii baqar lahaa waa hungee, ba’a ee yow sheega?

Dameer laba buqlood lagu raree, lagu baqoolsiiyay

Bukuuraha xun buu moodayaa, buur inuu silo ee

Inaan bacadle awr lala simayn, ba’a ee yow sheega?

Bakhaylkaan biriir yaabahayn, waa bakhtoo kale e

Marna haddaanu beydkiis nin yimid, barax u dhiibaynin

Buuryaqabka inaan loo tegayn, ba’a ee yow sheega?

Bahdii nimaan wax siinayn, hadday baahi kula roorto

Barakadiyo xoolaha haddii, beri la dhaafsiiyo

Inaan baraxna loo taagihayn, ba’a ee yow sheega?

Naagtii basariyaan Ilaah, barin wax xoogaana

In kastoo baftiyo khayli iyo, boqorro loo iibsho

Baalidu sidii habas hadday, boor ka kici weydo

Marna inaanay bilic yeelaneyn, ba’a ee yow sheega?

Culimada sidii baaniyaal, beledka gaalo joogta

Baabkii Allaa laga akhriyay, inay baloobeene

Inay balalka naartii ku kici, ba’a ee yow sheega?

Ninkii bala’da lagu yeeriyee, bayraq lagu duubay

Marna haddaanu bara aamin iyo, baahi geys noqonnin

Inaan boqorka loo deynahayn, ba’a ee yow sheega?

Bushimo aamusaa waxay helaan, inay bedbaadaane

Rag balaayo iyo ceeb ninkii, igula baayooda

Inaan baxarka moolkaa ku ridi, ba’a ee yow sheega?

Baalxaafka waxaa loo sitaa, beylah kaa maqane

Ninkii loo bukaan qabay hadduu, beeg uu dili waayo

Birtiisu ha jabtee inaan la rabin, ba’a ee yow sheega?

Runna nimaan ka beyreyn iblays, barale weeyaane

Buusuhu belaayiyo hadduu, been ka tegi waayo

Inaan dhagaha loo balalinayn, ba’a ee yow sheega?

Bogga laga mudyow fuluhu waa, baydada hayaaye

Goortuu bidhaan cadow arkuu, balow yiraahdaaye

Inaan melegga laga baajinayn, ba’a ee yow sheega?

Geesiga bacood lagu dhintaa, bili ka raacaaye

Abidkiisba baashuu ka galo, looga kala bayrye

Usaguna buruu leeyahaye, ba’a ee yow sheega?

Burgahaan wax tarahayn haddii, belelku qiiqaabo

Aan bayaadxumo deynahayn, baaqulliyo ceebta

Baasaha dagaal inuu ku lumi, ba’a ee yow sheega?

Ragii baadda loo gurahaye, boqolka loo keenay

Beejimada naagaha raggii, beydka loo geliyey

Baarada adduunkaa raggii, baqaska loo dhaanshay

Baashida raggii laga dhigee, beyda taagahayey

Big hadday yiraahdaan kuwii, sedada beegaayey

Ballankii Ilaah inuu ku dhici, ba’a ee yow sheega?

Ararsame bullada haygu tumo, baanisaha geede

Intuu burunjideydii la tago, hayska baar lulo e

Buluxiska iyo faanka waa, buli ishaalleeyee

Burjin xabaga oo geed ku yaal, baacu waw tegine

Biciidkii bulshada ay ka gala, beydaraa heliye

Inaan beylah laga waayahayn, ba’a ee yow sheega?

Haddeeyaan sidii beela raran, Xarunta soo buuxin

Ama aanay xaqay naga buleen, bixinnin oo keenin

Ama aanay Bangaal1 iyo Hindiya2, beled kaluu dhoofin

Baaruud3 la fuuliyo intaan, bulay taxaabaayo

Barakada Ilaahay haddaan, badi u noolaado

Inaan baarax nabadeed jireyn, ba’a ee yow sheega?

*Waxaan ka qoray Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon iyo Faarax Baqardhe.

1. Bangaal: Waa gobol Hindiya geesteed ku yaal ama waa gobolkii Bakistaan ka go’ay ee la baxay Bangaaladesh.

2. Hindiya: Wuxuu u jeedaa dalka Hindiya oo ay Soomaalidu waagii hore aad ugu dhoofi jirtey.

3. Baaruud: Waa faras magacii.

Bogadaawad

Niman badan oo Warsangeli ah oo Maxamuud Cali Shire madax u yahay ayaa Sayidku siiyey xoolo fara badan oo isugu jiray geel, fardo iyo ari, dabadeed is-afgaranwaa ayaa ka dhex dhacay oo waa ay kala boodeen. Dareenna waa kala galay. Dabadeed degmadii Maxamuud Cali Shire madaxa u ahaa habeen madow bay xaruntii ka guureen, waxayna tageen buuraha Calmadow oo Daraawiish waa ka ufoodeen, wax badan baa aftin iyo ergo loo diray, qaabulse lagama helin.

Daraawiish waxay guddoonsatay mar hadday ka tageen inay dadkii iyo duunyaday la tageen ka soo ceshadaan. Waxse isku gudbay oo fardihi u mari waayeen buurihii Caleed iyo togag aan laga tallaabi karin.

Daraawiishi waxay qabeen geela iyo fardaha ninna inaanu yeelan karin ee ay rag oo dhan ka dhexeeyaan, hase yeeshee xilligii gu’ga markay ahayd oo ay degmadii soo fedda-baxday ayaa Daraawiishi geeli gacanta ku dhigtay. Dabadeed ku digasho awgeed ayaa Sayidku gabaygan u mariyey, oo wuxuu yiri:

Bogadaawad waataan lahaa, bari ka soo dhiibe

Waataan bidhaan quruxsanay, soo hojooy iriye

Waataan baadi celiyoy lahaa, yeeyan baylihine

Barbar uga du’ waataan lahaa, buurta yey korine

Waataan banuu diid lahaa, yeeyan baalidine

Waataan bad kuma caymatee, soo barrooy idhiye

Boholyowga Hawd1 bay durduro, budulka raacdaye

Baliishii2 kaliileed tagataa, biliqda dayreede

Kobta ariga beeduhu degay, kor uga baadaaye

Banka waa ka carartaa sidii, gan iyo buubaale

Boqoolaa hadhkii bay sidii, badali roortaaye

Biciidkay ku darantaa sidii, bahal ugaareede

Bilcil faraq ku yaal bay tiqiin, baariga u saare

Hareeriga ka baxay foocyadey, baaca gelisaaye

Sida geriga beryaha ah bay, bucusha laacdaaye

Bilbilaha mareedh caraaley, baraqda daaqdaaye

Barqamaaga geryaha baxay, belegta gooysaaye

Caleen baacday tuurfaahistay, bulush cantuugtaaye

Bisiq hamasha buuniga dharjada, udug buuracowga

Burdad ubax leh baar iyo uneex, baqas ku fuuraaga

Buta waran barraajistay, balala qaaddaaye

Bakadaha iyo xiitoolahay, banan u raacdaaye

Burca toon leh bacad ciidle bay, bara hoyaaddaaye

Intaasay ku baayiri jirtoo, baashi ku ahayde

Baran mayso meeshaa degtaan, boqol alluu-naarye

Bog qalluudan beer godani waa, ba’iyo hoggeede

Ka soo bixiya waataan lahaa, balcaddii gubane

Jiilaal barraahsaday hadday, bila ku soo oonto

Badowlahada waataan lahaa, baara haw horine

Balxis geeya waataan lahaa, wey baduuxsamiye

Bilcataabihii iga xadaan, uga baqayaaye

Waataan baatriteedii lahaa, buurka yey tebine

Hal ma beddelo waataan lahaa, beeya-gurihiiye

Waataan ku iri hayga bixin, baarqab baa dhalaye

Ka bariiya waataan lahaa, baydda yuu jarine

Bushuma aan run lagu oron waa, lagu beloobaaye

Waataan bahdaa yey ku lumin, kuula baashiraye

Waataan bad baan kugula dhici, baane ku iriye

Bih-ina-Faatax biixida jabtaan, baani kabihayne

Awal bay badaawidu galeen, bohol Walwaaleede3

Macayeedna buufaamahay, badaha raaceene

Adigana baroor bay indhuhu, kula basaaseene

Bulxankeeda olol baa ka roon, adiyo beeggaaye

Haddaad haatan biixida wadheen, bag iyo haankiina.

*Waxaan ka soo guuriyey Soofe Durraan iyo Xaaji Maxamed Cawl Ileeye.

1. Hawd: Waa dhul dhir badan oo u dhaxeeya Ciid iyo Nugaal.

2. Ballishiil: Waa balli  Hawd dhexdii ah oo Buuhoodle koonfur-galbeed kaga toosan.

3. Walwaal: Waa ceel toddobada ceel ee Doollo laysku yiraahdo bari u xiga, wuxuuna u dhexeeyaa Wardheer iyo Haraxagarrey. Waana ceelka ugu dawlis dheer dalka Soomaalida.

Baqalka Kuugu Soo Diray

Guyaashii  Daraawiish tiirkeeda adkaaday, ololaheedana calan walleynaayey oo dadna u kala miirmay nin gaalada xaggeeda ka soo jeeda iyo nin waran iyo gaashaan qaatay oo gaalada hortaagan iyo nin aan labada geesood midna raacin oo gegi dhexe iska jooga oo ishaafalateynaaya, ayaa nin gabyaa ah oo magaciisa la oron jiray Aaden Axmed Dubbe oo degganaa buuraha Ceerigaabo iyo afafkooda gabay mariyey, gabaygaa oo uu kaga gilgilanaayey hadallo Sayidku isagoon dad kala soocin gaalo dad badan ku sheegay, gaar ahaan degmada Aaden Axmed Dubbe ka mjd yahay. Wuxuu yiri Aaden:

(T)

Dariiqada Axmediyaannu nahay, eheladeediiye

Afkana kama dhignoo jamacaan, idilkii haynaaye

Umuuru diinka waxaan raacsannahay, Nebi Ibraahiine

Gaalada ninkii nagu ismaa, waanu na aqoone

Ishaa Allaahu aakhiraba ways, ku arki doonnaaye

Sayidkii markuu maqlay gabaygaas wuxuu hubsaday ninkaa iyo lillaahinimadiisa iyo inuu yahay nin diin iyo iimaan leh, waxgaradna ah. Dabadeed wuxuu u diray baqal hadiyad ah iyo rag ergo ah iyo masafadan, wuxuu Sayidku hadal ugu gabagabeeyey waxtar iyo waxsiin haddaad doonayso xarunta kaalay, wuxuuna Sayidku yiri:

Ragga bixitamaayow, bela laga xijaabyow

Ayaantaad bad beeddaan, Aadan1 wayga baab mida

Bishaaradu ha gartee, bayin waxow tiraahdaan

Sagaal halaan ku bari baan, baqalka kuugu soo diray

Warsangeliga beyree, ballankii Ilaah furay

Bidcafalaha nagu yiri, xaajada baddaalka ah

Ee baara weynow cawar, beydka ugu galay

Iyagiyo berberigu, baha gaalo weeyoo

Baayacaadda Cadameed, Ibleys bawgu baaqoo

Boqorka uu guddoonshaa, Bastaloosi2 weeyoo

Badaawida xujoowdaa, adiguba u baantaye

Waadiga biddoodkiyo, boonlaha ku sheegaye

Baraara Alla-yeelyow, adigaa I beejaye

Beddel inaad ka dhigataan, baqalka kuugu soo diray!

Marna baad aan leeyahay, bilna kuuma imannine

Biya aan ku siiyana, bushimaa ma saarine

In kaley buleysaye, adigu beer ma dubannine

Bismillee bilowgaan, baqalka kuugu soo dirayee!

Baashiga abaareed hadday, beeshu geeddido

Boqoolaa harsimadii, haddii budulka lagu dhaco

Buska inaad ka fuushaan, baqalka kuugu soo diraye!

Haddii aad bannaankiyo, bocoodaha ka guurtaan

Ee baallaheediyo, barqa-maalle lagu furo

Buurta inuu ku koriyaan, baqalka kuugu soo diray!

Cidahoo barwaaqaa, berisamaha dooggii

Barqagaarka reeraha, baashaarka gobannimo

Dantaa inaad ku bogotaan, baqalka kuugu soo diray

Haddaad baadi doon tahay, beydaalis xoolaad

Aadan bananka dheeriyo, beri kale u saafurin

Barax inaad ku rarataan, baqalka kuugu soo diray

Haddii bogox col loo waco, waa beled amxaaree

In kastoo buufis lagu wado, bigifsiga ma daayee

Kufri inaad ku boobtaan, baqalka kuugu soo diray

Nin wadaad basariyana, barakaa ka raacda e

Anna waan u baahnahay, ducaad igu bantookhdoo

Inaan kheyr baalleeyaan, baqalka kuugu soo diray

Bacdigeedna aakhiro, bacaskiyoo kulaylkii

Bancaddaha qiyaamaha, sida bilig billaac yiri

Baalal inaan ka yeeshaan, baqalka kuugu soo diray

Bojayoo sagaalkii, biidna kama aan dhaafinee

Bigi iguma laabnoo, waa iga bashuuqdee

Big yaroo kaleetaan, badin maayo ku sii dari

Dad nin bela sameeyiyo, burge lagama waayee

Buuryaqabyo xaasidi, bakhayl hadday I moodaan

Oo baaniyaal dhaho, bal dayooy wuxuu wado

Hadalkaa bishaacaa, iyagaa ku ba’ayoo

Adduun baafis inaan ahay, burhaan looma helayee

Buubsi waxaan ku taabiyo, boolina ma haystoo

Kolay neef barkina tahay, baas lagaga qaadoo

Muslin waxaan ka buurtana, baqti buuba iga yahay

Been inaanan sheegayna, waa igu billaahoo

Boqol halaadoo aan bixiyaa, beesad ilama dhaantoo

Wixii laysku bededana, barashaa ka fiicane

Haddaad baaha doon tahay, berri adigu ii imow

Haddii kalase booskaa, yaan bahalku kaa dilin.

*Waxaan ka qoray Aw Axmed Aaden Surgo’.

1. Aaden Axmed Dubbe: Wuxuu ku noolaan jiray degmada Ceerigaabo, wuxuuna ahaa gabyaa caan ah oo la tixgeliyo.

2. Bestalozza: Wuxuu ahaa danjire Talyaaniga u fadhin jiray Cadan jeerkii dagaalladu ka dhex socdeen Daraawiishta iyo gumeysiga, wuxuu wakiil ka ahaa Afrikada bari, gaar ahaan xeebaha Soomaaliya iyo Sinjibaar. Wuxuu kaloo ahaa ninkii uga qeyb galay Talyaaniga, Ingiriiska iyo Xabashida heshiiskii Ilig.

GABAYXOOG

Aaden Axmed Dubbe (Gabeyxoog) markuu baqalkii Sayidku u soo diray guddoomay, masafadiina loo mariyey, wuxuu u diray gabaygaan:

(J)

Awal maanso waataan dabroo, daayey waayaha e

Ka da’ weyni daandaansi iyo, diradireyntiiye

Waa layga wada doonayaa, doogsintaan baraye

Aan daleeyo caawana qalbigu, way dikriyaaye

Deggane Maxamadow waxaynu nahay, ul iyo diirkeede

Dadka kale ha joogo ee adaan, iga digtoonayne

Raggiinnii Dariiqada ka yimid, durug warkiisiiye

Dunjigiisba waan wada jeclaa, degaha reer Nuure

Wixii duub leh deris baannu nahay, iyo Daraawiishe

Sayid Maxamed doodduu i yiri iyo, daabbadda uu keenay

Waa ii soo duceeyaye Allow, derajadiis raaji

Midna waqaan Ilaah ugu darraan, labada daaroode

Muslin oo dhan baa diiq ku jiray, jeeruu daahiraye

Awliyada duushuu carshiga, kula dakeeyaaye

Ninba wuxuu debnaa ugu hayiyo, daarka iyo laabta

Danniguu gartaa waxa qalbiga, kaga dahsoonaaye

Kun halaad nin subax soo didshoo, duul u yimid siiyey

Oo aanay duntaa iyo la noqon, dibi la loogaayo

Deeq nin ugu faanaa ma jiro, Dir iyo Daaroode

Nin la diini kama soo if bixin, duniyadeenneere

Dirid ferenji baa ugu badnaa, dab iyo baaruude

Isagiiba dabaq buu ku riday, duhur dharaareede

Dabar iyo hoggaan buu ku xiray, duluflahoodiiye

Dangaaradii bay dhegihii, wada dillaceene

Dogoble iyo ka kici ceelashay, wada degmaysteene

Burco kama dabbaaldego wixii, dabada gaabnaaye

Nimankuu la soo duulayoo, dab iyo reer siiyay

Diintii ka saar oo hadday, wada dulloobeene

Doofaarradaasaa jihaad, lagu dayaayaaye

Dadoow dirira loo kala dillaac, labada daamoode

Afartaa da’da intaan ku dhigay, daw ma ku hagaajay

Ma daliil dhaqsaday sida wadaad, deelka ka higaadshay

Dig ma yeershay sida danab cir dhacay, ama gu’ duulduulay

Duufaan ma soo riday sidii, diiqalyada xoomir

Ma dalleeyay sidii doonyahoo, qalamigii duubay

Shiraacaan farmaanka ugu xiray, dakhalka maw buuxshay

Deebaanka ma u soo qabtoo, maw dabeel raacshay

Warsangeli Dariiqii ka beyr, daahirtii nebiye

Sayid Maxamed deeqduu baxshey, bilo ku doogeene

Waxa dararta laga maalayaa, deebluhuu dhaqaye

Waa niman diihaal lagu korshiyo, gaalo daallima e

Dadna waxay ka doorteen kufriga, inay dillaalaane

Ha lagu duulo nimankaasi waa, debendobyoobeene.

Awel Maanso Waataan Balfay

Guyaashii Darwiishi deganayd xeebahaas Ilig iyo Ayl, ayey aad iyo aad u xoogaysteen hub iyo maana ka hodmeen, haybad iyo buruudna Eebbe hibo uga dhigay.

Kolkaasna Soomaalidii ka soo horjeedday iyo gumaysigii la dirirayeyba waxay jeclaysteen waanwaan nabadeed inay la yeeshaan dabadeedna si fiican ula heshiiyaan. Sidaas daraadeed Ingiriisku wuxuu u soo diray boqollaal ratio o safar ah, si xiriir ganacsi uga dhex beermo iyaga iyo Daraawiish. Talyaaniguna wuxuu siiyey dab badan oo buntukhii shanlaha ahaa ka mid yahay. Hase ahaatee Soomaalidii markaas geeska ka ahayd duullaamo badan bay Daraawiish ku soo bixiyeen, dhowr goorna xarunta ayay soo weerareen , Darwiishina gaashaankay u qabatay, six un bay u jebiyeen oo guul iyo libin ayay dagaalkii ka gaareen.

Isagoo Sayidku ka faalloonaya gargaarkaas Ilaahay siiyey, biliga iyo buruudka Daraawiish loo yeelay, ayuu gabay mariyey, wuxuu yiri:

Awal maanso waataan balfoo, beylahshoo nacaye

Waataan bidcaystoo ka dhigay, buurigoo kale e

Aan booyaamo xalay baa huradada, layla baashiraye

Ba’dana aan ku dhigo waanigii, buuni ku ahaaye

Barqiyo raacad waxay galaan, badhaha Nowriise1

Barkadaha ballaqan iyo ballida, aan buux dhaafsho

Aan butaaco sida karadha waa, bu’ashaydiiye

Aan biyeeyo togaggiyo halkii, bohola oo jeexan

Buurtiyo hannaankaba cagaar, baad aan kaga yeelo

Afartaa bojaye balaan mid kale, baabka ka higaadsho

Halkey bededi laabtaydu aan, biifka ka caddeeyo

Baaljiid rag waw daranyahaye, bayr aan ugu yeelo

Baaruddiyo rasaastiyo madfaca, bow aan kaga siiyo

Aan bulxamo sidii badaha oo, baxarku qiiqaabay

Aan balbalo sidii beerta oo, baalka roganeysa

Baabuurka aan dhoofsho waa, bixitamayaaye

Aan bandiiraddiyo calanka iyo, bayraqa u taago

Bishaarooyinkii Eebbahay baarax, aan u sheego

Bugtii hore hadduu uumiyuhu, baaddil nagu maagay

Bilis iyo nafloo idil haddii, laysu wada bayray

Baabkii shareecada haddii, loo bushima tuuray

Boqol jeer rogaal iyo hadday, buufiyaay noqotay

Bufka waxaa wadhnaa waa kufriga, boqorradiisiiye

Banaatiikhda waataan ka helnay, badane noo taale

Bili nimaan lahayn baan xarbada, biid ka tarihayne

Buruudkii astaadkeennu2 waa, biraan la laafayne

Waxa baalka dheer noogu wacan, Baraka diimeede

Ingiriisku waa baahaaqaad, baadda noo wada e

Bullaxaar3 waxaa nooga yimid, moosin loo bogo e

Talyanna soo baxyoo haatan waa, baha Daraawiishe

Boontii Majeerteen ahayd, baabbah laga yeelye

Waataa waraabuhu ka bogan, burunjidoodiiye

Buuryada waxaa looga jaray, waa badownimo e

Bahdirtii xaglaa dabecsanayd, hawdyihii jabane

Baadariyadii laga idlee, balagta dheeraaye

Baqalyuhuu kuwuu diirtay baan, looga bi’ihayne

Bile4 iyo Shuxle5 iyo Yuusuf6 waa, baadi aakhiro e

Baduuggaa berraa laga samayn, nimanka Baargaale7

Bi’idnillaahi Boosaaso8 waa, belelin doonnaaye

Keenadiid9 bitikhan wawsagii, gaasku baatulaye

Wax balaayadaas loogu dhigay, baaqulhadalkiiye

Baraxley10 sidii loo makalay, boohin ku abaadye

Ina-Diinle11 baasaha ka dhacay, bari u naaftowye

Waa buurriyaan socodka oo, boqontu waa kaw e

Tolow badarka noo daaya bay, nagu baryaayaane

Ciisihii badaawida ahaa, buulna laga waaye

Burco12 wuxuu la tegey gaajo iyo, boohin iyo cayre

Mahad lagu bogsoo bahalihii, baabusha lahaaye

Buubaale nimankii futada, beyga ku leeyahaye

Markii buunka lagu yeeriyey, bogox u yaaceene

Waxa balaslahoodii ka dhacay, beled amxaaraade

Ogaadeen Bullaaliyo13 ka carar, baqaskii Doolloode14

Buncaddaha Turey15 laguma ogaa, jees ku baaqiya e

Qorraxey16 horweyn kama balxado, bilaha jiilaale

Reer Subayr bidhaan laga idlee, badina loo laaye

Beyley ma maalaan intay, bidhe u qaataane

Barqinkiyo harkii kama dhammaan, balaqdii caanoode.

*Waxaan ka qoray Gallaydh Cabdi Ismaaciil.

1. Nowriis: Dabshidka.

2. Astaadka: Waa Sayidka ama Shiikh Maxamad Saalax oo dariiqada saalixiya madax u ahaa, Sayidkana sheikh ua ahaa.

3. Bullaxaar: Waa magaalo fil weyn oo ku taalla meel u dhexeysa xeebta Berbera iyo Seylac.

4. Bile: Bile Samatar Cismaan wuxuu ahaa boqor Cismaan ina-adeerkiis.

5. Shuxle: Shuxle Yuusuf Cismaan.

6. Yuusuf: Yuusuf Samatar Cismaan.

7. Baargaal: Waa magaalo ku taal xeebta koonfurta Raas Gardafuy, waxay ahaan jirtay xaruntii boqor Cismaan.

8. Boosaaso: Waa magaalo ku taal xeebta badyarada Cadmeed, waana xarunta gobolka Bari.

9. Keenadiid: Suldaan Yuusuf Cali Maxamuud.

10. Baraxley: Waa daw biyo leh oo magaalada Gaalkacyo xaafaddeeda koonfur-bari xiga ku taal.

11. Ina-Diinle: Waa ceel Hobyo geeska waqooyi ka xiga, waxaa ka dhacday goob xun oo dhex martay Daraawiish iyo ciidamadii Cali Yuusuf Keenadiid.

12. Burco: Waagii hore waxay ahaan jirtay ceel xooluhu ka cabbaan, haddana waa magaalamadaxda gobolka Togdheer, waxaa la abuuray 1910.

13. Bullaale: Waa ceel caan ah oo ku yaal toga Jiiradeed oo Dhagaxbuur u jira 90 kiilomitir, kana xiga dhinaca waqooyi.

14. Doollo: Waa todobada ceel ee Wardheer, Walwaal, Waafdhuug, Afyaraado, Uubataale, Garloogube, iyo Yucub.

15. Turey: Ban diiran oo beerfalashada ku fiican una dhexeeya Qabridaharre iyo webi Shabeelle.

16. Qorraxey: Waa tog weyn oo kala dhex mara laba ban.

Warka Badaha Laga Keenayo

Dagaalkii Jidbaalle ee Daraawiish lagu jabiyay markuu dhacay ka dib ayaa dadkii cadowga u ahaa ku digtay oo waxaa lagu billaabay xumo iyo waxkasheeg aan sal iyo baar lahayn. Taas waxaa keenay markii Daraawiish towsi ka muuqatay col iyo gaadde midna wax ka soo baxa laga waayey.

Usagoo Sayid Maxamad doonaya in la rogaal celiyo oo dagaalkii Jidbaalle Ingiriis laga aargoosto, ayuu olole iyo guubaabo kula dhex dhacay Daraawiish si duullaan loo humo, dagaalna loogu kiciyo Ingiriis iyo kuwa u adeega, wuxuuna Sayidku yiri:

Wararka badaha laga keenayee, beeshu ii warisay

Ee boonta Habaryoonis iyo, bogox ka soo dhoofay

Oo aniga bari iigu yimi, waan ka buubsanahay

Wax bishaara helaa waa ninkuu, beejey gacalkiise

Baar sare ninkii aan ka dhalan, baahi baa diliye

Wax baylahdaa iigu wacan, waa badeen xumo e

Daraawiish ninkii bili u falay, waw badawnimo e

Siday boqorradii uga lumeen, biin cad baa haraye

Buruud luguma oga wiilashaa, baacin laafyaha e

Bilcaan dumara baha dhowra oo, wada baraaraysan

Aqal bilic leh oo lagu bayiday, baarro iyo xeero

Barni iyo bariis iyo xalwiyo, budo la iidaamay

Bilcooshaan xariiriyo baftiyo, khayli baro weynle

Sange buuran bari dhowr casoo, bulushku laadlaado

Bilbilaha maqaanaha sitaac, shaalka laga buuxshay

Baqas ariya boqollaalka geel, baarqab iyo goolal

Baqar lo’ ah banaaxiga gugii, bayddi iyo raaxo

Barwaaqada adduunyada ah bay, barako moodeene

Baabkii Ilaah iyo sharcigii, laga baxaayowye

Burco Laaran1 buu tegi, ninkaad beri u yeedhaaye

Nin waliba sidii baadi geel, naga banjoogowye

Ballanfure kuwii aan lahaa, boowayaashaya e

Burris bay ahayd dhaar waxay, boholo jeexeene

Wixii ay billaahida mareen, beenshe taladiiye

Qaylada bayaankaa haddii, buunka lagu yeersho

Birmadkii la soo yaaci jiray, haatan laga baadye

Waxa baaqa lagu diidaya, waa baraad li’iye

Aarkuba wuxuu balacsadaa, boodda ka horowe

Bakowyada intay looshadaan, beri ma doontaane

Nimankii banaaggoodi jaray, baafin ma hayaane

Raga haatan baashaali waw, baraq nugaylkoode

Baasaha colaadeed haddii, belel ku qiiqaabo

Banaadiiqda nimankii la dhacay, beegsan ma hayaane

Sidii ari bulaad galay raggii, buuradk u jiifay

Baqalyuhu ragguu cunahayee, boobay hilibkiisa

Marna kama biriiryaabayaan, baalcaddii shalaye

Buuhabuuhadii laga tegiyo, babul-kicintiiye

Booley ahayd faan waxay, bedertamayeene

Goortii loo bareeray ciyow, balow yiraahdaane

Anigaaba baaloon hayee, baarax baa dhacaye

Waa baydad nimankii la dhigay, Buura dhinacoode

Baqahii Jidbaallaa2 ka dhigay, baali caana lehe

Nimanyahow si baas baa qalbigu, ii balbalayaaye

Sidaan bariidaad cunaa wadnuhu, way bugleeyahaye

Badankayga waxa saas u galay, boohin iyo ciile

Buska wax igu riday gaaladii, balagta dheerayde

Wuxuu beerku ii ruxan raggay, baga u laayeene

Waakaa waraabuhu ka bogan, burunjidaydiiye

Raggii aniga ii burin lahaa, waa bud aakhiro e

Eebbow baqdhoos ba haraan, biidna tarahayne

Bulge iyo waxaa ii arrimin, buqulkii3 gaabnaaye

Eebbow birtaan rabin sidii, beydaroo kale e

Eebbow berriyo saaddambaan, bixitamaayaaye

Eebbow waxaan sii biglayn, biliqda deyreede

Eebbow boqoolaannu nahay, aniyo Boodeyse4

Eebbow Burciyo5 Looyo6 waa, beled amxaaraade

Eebbow barqaan mari karaa, Beeratiyo7 Siige8

Eebbow xaqaygii bulmaan, baafinhayaaye

Eebbow ba’naan kuma jiriyo, baaddil iyo qooqe

Eebbow biddaha ii horee, baqalka Iiddoore.

*Waxaan ka qoray Darwiishka la oron jiray Cabdi-Yaar, Cali Guuleed 1955.

1. Gaal Ingiriis ah oo Burca xukumi jiray.

2. Jidbaalle: Waa goobtii shanaad ee Daraawiish iyo Ingiriis dhex martay 1904, waxayna ka dhacday dhooddida Nugaaleed bartamaheeda meel Laascaanood waqooyi ka xigta.

3. Ibraahim Buqul: Wuxuu ahaa la taliyaha Sayidka, ammaanduulaha ciidamada Daraawiishta. Waxaa lagu dilay Bixin (Garoowe) 1919, waxaana dilay ciidamadii Ingiriiska.

4. Boodeys: Waa faras ka mid ahaa fardaha Sayidka u gaarka ahaa.

5. Burco: Waagii hore waxay ahaan jirtay ceel xooluhu ka cabbaan, haddana waa magaalamadaxda gobolka Togdheer, waxaa la abuuray 1910.

6. Looyo: Waa meel u dhexeysa Burco iyo Shiikh.

7. Beerato: Waxay u dhexeysaa Oodweyne iyo Burco.

8. Siig: Waa ceel u dhexeeya Mandheera iyo Cadaadley.

Cali-Geri Aboodiga Ku Lalay

Markuu gembigii iyo jihaadkii galay degmooyinkii faraha badnaa ee Ciid iyo Hawd fadhiyi jirey oo tuurihii geela lagu dhaqaalayn jirey cidla iyo waaqla noqdeen, ayaa Sayidkii ka tiiraanyoodey, dabadeedna gabey buu mariyey, wuxuuna ku tilmaamay sida dhulkaasi jeer hore ahaan jirey iyo siduu maalintaa ahaa.

Afka bari ishaa bogox intii, arar Nugaaleeda1
Iliilaha bannaan iyo intii, edegga ciideeda2
Axad kagama sii harin wixii, uduba oo yiile

Caligeri aboodig ku lalay, abax ka sooryooye
Iqliil weeye madhan qayradii, oomanta ahayde
Afar iyo afqaaqlaa ku dhacay, araxya weyntiiye

Ifku kama balbalo tuurihii, oollinka ahaaye
Meeshuu aboornimo fadhiyey, laga alaab qaadye

Hawdkii ugbaadsaday, horweyn kuma ilaashaane
Uma ooho geeyaan markii, aarankii lumo e
Shisheeyaha araarimaha yaal, kuma ugaayane

Eegida horjooguhu cishaha, sooma oriyaane
Xeryo gaallo la isaga ag dhigay, uma adkeeyaane
Irridaha markii aasku dumo, kuma afuufaane

Ibdarta iyo dhowtada ratiban, ugar ma siiyaane
Ardaayada golaa kala rogrogan, uma asteeyaane
Uleexida haleelada tircayn, il uma gooyaane

Aarsaydha oonyaha gudgude, ubuc dugaag jeexa
Ilka horror abeesada qallici, halaq uraa leeb ah
Ulbistuur anaaniga dayaca, alaba jeerraanta

Eynfaadka baadida tagtow, adadac buubaalka
Abid maqan intaha raadiskay, axal ka duugoowdey
Akhbaar raadis urur naadinteed, idan ku yaahaynta

Ambaqaadka taa uma ekeyn, aniga hay saarin
Summad awdka sawraca ankari, eedda iyo dhaarta
Asaraarka eexada danbiga, shiru aguugeynta

Guudaan amnaca shiil armaca, luqun inaatowga
Inqiis naas ah iin cararjidow, gudur ufaayowga
Ubad jaalla ahaan baaqatiyo, dhicis ammuurayska

Ammaankow gandood eel ragaad, arami naafowga
Ammaanguud anaashiga dhukaan, axadh xaraarowga
Uhda dhugato roor, ababa’leyn, ol iyo geegaarka

Alleqabe kud eertaa qadhqadhi, shilin aseebaaga
Aafaa samaawiga Allow, naga ammaanayso
Aammiin ma buuraan intay, duco allifaane

Kuma aduurdhabaan baarqabbadu, abasaxeeddiiye
Shimbiruhu markuu doob onkodo, ma awanayaane
Abeerrada tifrimay goojadii, lama ammaaraane

Qorracxdoo abbaar le’eg markii, oodda laga jiido
Kolkii kuraygu eyrada hayey, kala aqoolmayso
Ulaha uma boobaan intay, tiro abyoodaane

Kobtii shalay irmaanku ugu baxay, aladii fooca
Arbaxaale3 goortay tagtoo, aayaddeed dheregto
Aamminkii la baraqmaali jirey, ma arrumaayaane

Eydaarteeda oo fool la dhici, ma antaweershaane
Goortay ummuliyaan murkaha, kama abeeyaane
Abur xoor leh kama soo lisaan, ibagaleenkiiye

Masaakiinta agaheeda tuban, ma ajareystaane
Unuun uma jaraan qaalmihii, eydinka ahaaye
Cayuuntaan ilmaha loo dhigayn, kama uneexaane

Waxay abaxa goysaba markay, ohin carraabyso
Afdhuubyaalaheedii durduro, ma ambaqaadaane
Sidii ay iblays tahay xuruun, ma umbulleeyaane

Jiilaal aleel ka cad hadday, acabtin doonayso
Markay uudka kore laasatiyo, abaqa baarkiisa
Iyadoo idiin ka cas markay, oon la soo degato

Intay yeel aslaan ceelashii, uma aroorshaane
Awaaliinka kama soo shubaan, ilaha Caymeede4
Alalaaska heestii darkii, kuma olkeeyaane

Awr qaada iyo gool ahmiya, ma aldaxaayaane
Abidkoodba kama sooryadaan, alaxa caanoode
Niman baa uquun kagala tegey, ilindiddoodiiye

Eebyaha ma soo rogan markii, ibilku tuuraye
Anaa eegiyey dhicin lahaa, idam Ilahaye
Wax arsaa’iilkood galay markay, ferenji aadeene.


 

*Waxaan ka soo guuriyay Xareed Duubi Deero.
1. Nugaal: Waa waadi dherer iyo ballaarba leh oo Cayn iyo Saraar ka soo rogmada, xeebta Aylna badda Hindiya kaga dara.
2. Ciid: Waa dhulka ciidda guduudan leh ee oomanaha u badan.
3. Arbaxaale: Waa balli xoolaha u fiican oo Buuhooddle geesta Hawd galbeed ka xiga.
4. Ilaha Caymeed: Wuxuu u jeedaa togagga ama faraha ama ilaha ceelka Caynaba dhinaca hawd ka xiga oo geelu jiilaalkii ka soo arooro.