Tag Archives: Aw-Jaamac Cumar Ciise

Maantii Asaayuhu Dhacay

Galabti Gurdumi ee rag ku tashaday in Sayid Maxamad dabin loo dhigo si loo dilo, ninkii u digay oo magaciisa la oron jirey Cabdi Garaad Yuusuf wiil uu dhalay ayaa jeer danbe xaruntii yimid iyadoo dagaalkii Gurdami laga joogo dhawr sano. Kolkaasuu Sayid Maxamad wuxuu ku tashaday inuu wiilka ka abaalmariyo wanaaggii aabbihii u galay si wanaagsanna u soo dhaweeyo. Markaasuu gabaygaan xarunta dhexdeedii ka tirshay si uu Daraawiishta u ogeysiiyo ama kula dardaarmo inanka loo samafalo. Wuxuuna Sayidku yiri:

Maantii isaayuhu dhacee, dunidu aafowday
Maantuu Ogaadeen sidii obo, i boobaayey
Maantuu adduunkaygii dhacay, ariyo geeliiba

Maantay Cabbaas1 ku ajaleen, awlixii waranka
Maantii Iblayskii Iljeex2, na ibtilaynaayey
Idilkiiba Subayr maalintuu, oboda ii dhiibay

Maantaan islaan iga naxiyo, ehel xigaal waayey
Arbow Ina-Garaad Yuusuf3, baa aanadey galaye
Waatuu akhbaartii i yiri, aaminka ahayde

Waa tuu isagu iiga degay, ooglihii farase
Inkastoo amxaaro u kacee, ferenji aanaystay
Usaga iyo ubadkuu dhalayba, waw abaal gudiye

Maruun baan amah bixi, haddaan iilka lay dhigine
Markuu roob onkodo baan lahaa, ilindidow geeye
Aroos iyo waxaan rari lahaa, awra jeexya lehe
Waxaan omoska sii marin lahaa, xamarro oog dheere

Usna manta keer soo ambaday, inankii weeyaane
Sidii aabbihiis oo kalaa, laga idaayaaye
Wuxuu iila ekoon yahay midaan, ina illaawayne

Alaakoodsha oo wiilku, yuu agab la’aan sheegan
Afka wuxuu ka dooniyo, wuxuu uur ka rabo siiya
Ninkii loo ixsaan falahayaba, iniq u dheereeya.

 


1. Aw-Cabbaas: Wuxuu ka mid ahaa kooxdii Sayid Maxamad Maka u raacday, kadib Darwiis buu noqday waxaana lagu dilay Gurdumi.
2. Iljeex: Xuseen Yuusuf Xirsi, wuxuu ka mid ahaa shirqoolkii Gurdumi raggii abaabulay.
3. Ina-Garaad Yuusuf: Garaad Cabdi Garaad Yuusuf, waa ninkii Sayidka u digay shirqoolki Gurdumi.

Eelkii Qabsaday

Darwiishka la oran jirey Cabdalla Shixiri wuxuu ahaa Xoghayaha Dibadda ee Daraawiisheed, wuxuuna ku hadli jirey afka Sayidka intaanu fakan, wuxuuna aqoon u lahaa afafka Ingiriiska, Carabiga iyo Talyaaniga. Hase ahaatee isagoo Cadan jooga ayaa Ingiriis xoolo badan ku bantookhay, kuwo kale oo joogto ahna u ballan qaaday haddii uu Sayidka iyo Daraawiish ku ballan furo, waana yeelay. Dabadeed, farriin qarsoodi ah ayuu u dirsaday xaaskiisii, caruurtiisii iyo xoolihiisii dariiqada joogay si ay xarunta uga soo fakadaan, markiise laga war helay Cabdalla Shixiri inuu ballan furay, lana ogaaday dadkiisii inuu fakanaayo, iyagiina waa la laayey xoolihiina waa la dhacay, Sayidkuna gabaygaan yar ayuu u mariyey:

Eelkii qabsaday reer Catoosh arax gariirtaaba
Ilma daadisaa iyo sidii aar u oroddaaba
Afka duubtaayaa iyo gafuur umal taagtaaba

Isku eebataa iyo nin kale eed ku dadabtaaba
Ardiyeysataa iyo dillaal oon ka dhigataaba
Ingiriiska eygaa sidii Eebbe baridaaba

Nin ibtilo ku dhici baa tahaye urug la taahdaaba
Amminkii habeennimo hurudada alad booddaaba
Raggii uu waraabaha abxaday agas u qaaddaaba

Asay xidhatayaa amase weer, kugu abaadyaaba
Ashkatootayaa iyo warqado ku andacootaaba
Ararihiyo dibaddaa martoo naga ufootaaba

Awtaamisaa iyo sidii geel o oloshaaba
Arki meysid ina-Shixiryow1 inamadaadiiyee
Adiguna amxaar baad tahaye ehel nijaaseede.

 


*Waxaan ka qoray Aw-Daahir Afqarshe.
1. Cabdalle Shixiro.

Jidka Adari Loo Maro

Guyaashii dagaalku ka dhex socday gumaysigii Ingiriisku madaxa u ahaa iyo Daraawiish, dagaalkiina dhulka Soomaaliyeed gees walba ugu fiday, ayaa dad badan oo Soomaali ah gumaysigii raaceen iyagoo u adeegaya. Markii weerarkii, gabagabihii iyo dooxatadii bateen, nabadgelyadiina geed dheer oo aan laga soo rogi karin lagu laalay, oo ay Daraawiish iyo dad intiisa kale noqotay. Afxumadii iyo edebdarradiina ay tardhaaftay ayaa Sayidku gabaygakan tiriyey. Usagoo dadka colka u ah u gooddinaya, ama Daraawiish ku goobaabinaya dagaal iyo aargudasho, una tilmaamaya dadka uu doonayo in lagu duulo ama waxyeello loo geysto, gaar ahaan Ingiriis, Amxaaro iyo dadkii raacay ayuu yiri:

Xuseenoo ikhwaan baynu nahay, uur ka soo baxaye
Allaa igu ogoo waa rabaa, aynigaad tahaye
Oroh kalana waa eray yaraan, kuu erganayaaye

Wax alifka lagu qaadayaa, aayadaha diine
Waa kuu iftiimayn sidii, oogta waaberiye
Afar halaan kuu alaladey, balaan adiga kuu sheego

Haddii aanan Majeerteen sidii, ari u iideynin
Ararsamiyo iiddoor haddaan, iranka loo qaadin
Oo aanan irbaha dheer ka jarin, eyda reer Hagara

Awlaxa haddii aanan la dhicin, niman Ogaadeena
Nin ankiray shareecada haddaanu, eedin taladiisa
Kii oroh xumaan jiray haddaanan, aabbe kaga yeerin

Ololaha colkaan wado haddaan, laga ashaatoobin
Jidka Adari1 loo maro haddaan, laga ugaaroobin
Meesha iyo Iimey2 haddaanan, weerar ku ekaynin

Ilkadheere3 iyo Luuq4 haddaanan, lagu awaareynin
Ajiga Waama joogow haddaan, oloku soo gaarin
Adduunyada haddii anan ka shabin, tan iyo Aw-Dheegle5

Nin adduunyo foofsada haddaan, uunka laga waayin
Bullaxaar6 agteediyo hadaan, Awdal7 yaacin
Ooryaha Amxaaradu haddaanay, Cadan ka awlaynin

Ingiriiska eyga ah hadduusan, baqe ku aynfaadin
Goortaan awaawiyo hadduusan, oogsan oo cararin
Agabtiyo haddii uusan qubin, aaladdiyo seefta

Haddii aan islaaxi Berbera8, lagu abaaroobin
Oo anan albaabada qufulin, ila xirkii daarta
Oo ayan eber noqon kobtii, la istareexaayey

Igarriyo9 haddii aanu rag kale, aakhirow hoyannin
Oo aanan sidii aar libaax, wax u unuun goynin
Soomaaliyoo idil haddaan, laga imiil qaadin

Ab uu yahayba aadamigu haddaanu, eeratuu diririn
Oo aanan u aar gudin raggii, naga afdhowraayey
Allaylehe islaan baan ihiyo, umalku waa beene.

 


 

*Waxaan ka qoray Cabdi Axmed Tuuhe.
1. Adari: (Herer) Waa magaalo ka mid ah kuwa ugu filka weyn Soomaaliya. Taliskii Axmed Gurey waxay u ahayd xarun, xagga islaamkana horukiciisa caan bay ku ahayd. Hadda waxay ka mid tahay dalka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho.
2. Iimeey: Waa buur go’an oo ku taal webiga Shabeelle xaggiisa sare. Daraawiish baa degtay 1920 oo ka dhistay laba daarood oo dagaal waana meeshii SAyidku ku geerioodey oo lagu aasay.
3. Ilkadheere: Waa tuulo webiga Weeb la yiraahdo ku taal oo Lebishilindi iyo Hilimadow u dhaxeysa, jeerkii horena xeri fadhiyi jirtay.
4. Luuq: Waa magaalo caan ah. Waxaa loo yaqaan Luuq-Ganaane, waxayna ku taalla webiga Jubba bartamihiisa.
5. Aw-Dheegle: Waa magaalo webi Shabeelle ku taal oo u dhaxaysa Afgooye iyo Jannaale.
6. Bullaxaar: Waa magaalo fil weyn oo ku taal xeebta u dhaxaysa Berbera iyo Saylac.
7. Awdal: Waa magic waayadii hore la oron jirey Saylac.
8. Berbera: Waa magaalo fil weyn oo u taal xeebta badyarada Cadmeed.
9. Igarre: Xaaji Muuse Igarre. Wuxuu ahaa la-taliye Ingiriiska daacad u ahaa, ciidamadiisana ka tirsan, waxaana lagala tashan jirey arrimaha Soomaalida, gaar ahaan Daraawiish iyo sidii loo baabbi’in lahaa iyo sida dagaalka loo maammulayo.

Ismaaciil Mirow

Ismaaciil Mire oo guuto Daraawiish ah oo korjooga ah ku haysta buurta Ceeldhaab, dhulkana wax degma ah aan lagu ogeyn ayaa ilaalo diray, dabadeedna wuxuu ogaaday inay tahay degmo Daraawiish dakana ka qabtay oo guban ka soo baxay. Kolkaasuu Sayidkii wuxuu u diray gabay farriin ah oo wuxuu yiri:

(A)

Aabbow xaqeygii ma deyn, igana duugowye
Nimankii ikhwaankii dilaa, meel dhow soo degaye
Dabka xalay badweyn iiga baxay, waan ku diirsadaye
Dantayna ma aha inaan daayo oo, dib uga laabmaaye
Raggii aan la dibad meeri jiray, doorkii laga laayey
Kolkii shalay Ammaan laga dilay, dib isu laabeene
Waa daaluqsaday Xaashigii, ugu da’ weunaaye
Ducaaliyo ma wadin Jaamac-Cudur, inay dambeeyaane
Kollay habrey dooxdaan Ilaah, deeqi waa badane
Duullaanka may soo baxshaan, dagay kufaarkiiye.

Gabayga Sayidkii markuu maqlay, waxaa u muuqatay hadalkaasu inuusan Ismaaciil ku habbonayn, oo uu dadkii kala didiyey, dabadeedna wuxuu jeediyey canaan waayeel, wuxuuna yiri:

Ismaaciil1 Mirow taladu waa, eyddin kaa maqane
Maandhow umuurtaadu waa, ababa’deediiye
Maandhow adduun wuxuu ahaan, waadan idihayne

Maandhow aqoonxumadu waa, ku ambineysaaye
Maandhow ninkaan edeb lahayn, waa Allow sahale
Maandhow aqliga ha iska lumin, Eebbahay magane

Maandhow raggii aakhiraad, igu ohomsiinee
Maandhow sidii ibilka way, ololinaysaaye
Maandhow waxaad igu akhriyi, uurkutaalada’e

Maandhow ikhwaanki ma deyn, urugadiisiiye
Maandhow alleylkii dhaxaan, alaladaaye
Maandhow ilmada ha iga qubin, kaa afeeftamaye

Maandhow nin umal saaqayoo, ururxun baan ahayee
Waxaan awlaaxu rabinayaa, aarsi dirireedee
Maandhow awaal dagatey baan, aawilahayaaye

Maandhow Ducaaliyo2 Ammaan3, waayey araggoode
Maandhow kuwii iga ajalay, waa rkaa bixiye
Aniguba ayaamaan lahaa, ha isallaaweene

Maandhow abaabaa kuu wadi, abadankeygiiye
Maandhow dadkaad eriday baan, ururinaayaaye
Maandhow ooho baan oron sidii, aaran baadiyahe

Maandhow intay iigu iman, odayadoodiiye
Maandhow iliilahakaney, awr ku soo furiye
Maandhow berry soo ekaan, ari sidiisiiye

Maandhow ixsaan lagama tago, eed haddaad faliye
Maandhow ninkaad iniqdo, waa ku oggolaadaaye
Maandhow haddaan inamo raro, way i aaminiye

Maandhow idday waxaan ku bogan, waa irdha la’aane
Maandhow ninkaan aa’i, waw aamusahayaaye
Aflagaaddadaadaan ka baqi, inay ogaadaane

Maandhow sidii aarka dhici, waw iigalaclayne
Maandhow ilaaq baan ku wadi, aarankaan diliye
Maandhow ku eersaday hadday, iga ufoodaane

Maandhow ugaadhaba xirkaa, laga agloolaaye
Maandhow urtaan mari sidii, adamaddoonkiiye
Maandhow arbaha ha iga didin, oofataan ahaye.


 

*Waxaan ka qoray Aw-Axmed Aaden Surgo’.
1. Ismaaciil Mire: Wuxuu ka mid ahaa ammaan-duulayaashii ciidamada Daraawiishta, wuxuuna ahaa raggii dagaal iyo duullaanba wacdaraha dhigay goobaha badankoodna galay.
2. Ducaale: wax yaqaan lama helin.
3. Ammaan Axmad Aaden.

Saw Ma Aha?

Muslin iyo gaalba dadkii Sayid Maxamad Cabdille ka gees ahaa waxay ku tilmaameen inuu dawgii sharciga ka tallaabsaday oo dil iyo dhac u bareeray dad wixiisna xalaalaystay.

Haddaba isagoo ka warramaaya naftiisa iyo ujeeddadiisiiba xagga islaannimada, Ilaahaqoonta, xagga jihaadka iyo aftahannimada, deeqda iyo xagga walaalnimada ayuu Sayidku gabaygaan mariyey oo wuxuu yiri:

Nin Ilaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaalaaya
Ashahaado loo qoray nimaan, kala illaaweynin
Oo aan inkirihayn xaq waa, la oggolaadaaye

Nin salaadda awqaadda, faral u addimoonaaya
Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya
Oo aan afurin soonku, waa bilaha iideedee

Adduunyadiyo xoolaha ninkii, aragti dhiibaaya
Oo inuu ohay yiraah, ka istixyoonaaya
Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin

Nimaan diinta aafo u galayn, aakhiruu sabanka
Oo aan amxaarada sidii, obo u yaaceynin
Oo gaalka ooradu ku taal, u askareynin

Nimaan abuurka Soomaaliyeed, ka anfi taageynin
Oo aan ajuurada kufriga, ugu adeegeynin
Oo aan ardiga beesadeed, u ashtakoonaynin

Nin jihaad ohoominahayoo, ubaxa loo saaray
Ingiriiska eyga ah ninkii, ugu uneexaaya
Oo libin ajri leh soo heloo, or iyo geeraar leh

Nimanyahow aqoonxumadu, waa ardaalnimo e
Asaraar ma fiicnee, runbaa lagu arooraaye
Ninkii aynigaa lagu yaqaan, aw islaan ma aha?

Shir aguugay waayeel abyamay, talo ashaaddowday
Irda jiqa albaabo isku xiran, eel la bixin waayay
Xaajadaas afraha duubatee, loo olmami waayay

Nin aqoon leh aw iyo haddii, odaya loo saaro
Inkastoo ayaan iyo ayaan, lagu oloollaado
Ninkii maalitaa ka arrinshaa, aaqil aw ma aha?

Wiiwiida qaylada haddii, uubatadu yeedho
Sangootida ilwaadda leh haddii, agabka loo qaato
Awaaraha buska leh maalintuu, Xamar abraaraayo

Maantii warmaha oofta iyo, adhaxda lays gooyo
Maantuu aboodigu ku lalo, ubaxa loo daadshay
Maantuu isaayuhu ka dhaco, idil dagaalkeeda

Maantii fuluu naga ordo, alaba soo rooro
Maantii raggaan loo ilayn, naga ugaaroobo
Maantaa ninkii aarsan sow, aarka dhacay ma aha?

Nimaan edabdarroonayn xil, waa laga ajoodaayee
Aflagaadda aan jirin, nimaan kuula imaanaynin
Oo kaa asluubanahayoo, kaa istixyoonaaya

Ab uu yahayba aadniga ninkii, same ekeynaaya
Abtirsiinya kii xigay nimaam, iniq u dheereynin
Addoomaha Ilaahay nimaan, kala irdheyneynin

Ninkii aammusoo shib ah haddii, erey xun loo geysto
Aan kula ekeekamin intuu, urur ku soo joojo
Aan xaajo awgeed la gubay, ubucda jeexaynin

Anfaaciga adduunyada nimaan, ku anfariiraynin
Oo xeeryo soor lagu akhatimay, ibir ka yeelaynin
Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siineynin

Intuu aqalka baanjiyoo, nimaan aradda guuguulin
Aagaanta ciirta nimaan, aaska dhigaynin
Oo aan qumbaha awdinoo, ilaxirkow jiidan

Aaqibadii loo galo nimaan, kala illaaweynin
Oo kuu ixsaan fali intuu, edge adduun joogo
Oo aan abaaldhaca aqoon sow, akhiyaar ma aha?

Ari badan lo’ iyo geel intii, mulug adduunyaada
Ugub dhalaya qaalmaha umulee, laga unuun gooyey
Eeraan fardood iyo gammaan, aradka duulaaya

Aqal weyn aroos bilic leh oo, ilaxir loo yeelay
Inan quruxsan oo lagu ashbahay, uunsi iyo kheyli
Oo qool asliya loo gashoo, jalamtu eedaami

Nasteexiyo wanaag nikii, ilindi kuu keenay
Umuurtii aad leedahay ninkii, kuu abaynaaya
Adduunka iyo aakhiro ninkii, kuu aslaaxinaya

Ninkii maalinta iillaan tahay, aana kugu qaata
Oo aan abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin
Itaal xumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha?

 


*In kastoo aan niman kala duwan ka dhugsaday, haddana gabaygaan waxaan ka qoray Xaaji Maxamad Ileeye 1956kii, wuxuu ka mid ahaa raggii xarunta ku haray waxna ku bartay. Waxaan Xaaji Maxamad kula kulmay ceelka la yiraahdo Dhallaama-Cune oo degmada Buuhoodle ku yaal.

Nin Aqdaamo Ferenji Ah

Xaashidii musuqmaasuqa ahayd oo layiri waxaa soo diray Shiikh Maxamad Saalax oo Daraawiish lagu cambaareynayey mar la keenay xaruntii oo taal Ilig dadkii oo dhanna loo akhriyey, su’aal Sayidka laga weydiiyey oo la yiri maxaynu ka niraahnaa? Wuxuu yiri:

Nin aqdaamo ferenjiya maantiyo abuurriin
Ama aaladduu sida ama awrtabuu rara
Ama ariga buu qala ama laba ugaarsada
Ama uba ilaalaa ama uurka kala jira
Ashahaado beeniyo islaannimo ha lagu dhaqo
Ilaahayna nama oron anna ma oggolaan karo!

 


 

*Waxaan ka qoray Cabdi Warsame.

Ragga Ayl U Kacahayow

Waxaa la wariyey in guyaashii Daraawiishi fadhiday Ayl iyo Ilig, xaruntuna Galigaalle ka waabnayd. Darwiish la oron jiray AwJaamac, ragga daarta Daawad hayana ka tirsanaa, wiil uu dhalayna uu Daraawiishta u hagaajiyo banaatiikhda ka xumaata, bantukhuu hagaajiyana inuu qaalin geel ah ka qaato Sayid Maxamed u xukumay, AwJaamacna xoolaha dhaqaaleeyo, Sayidkuna ari fiican siiyay, ayaa laba halo o gabay ah tiriyey oo wuxuu yiri:

Astaadkiyo Ismaaciilba waa ururin doonaane
Arsuqeyga Eebbaa hayee adarka ii buuxi.

Ka dib waxaa lagu xujeeyey inuu arigii wada qashay oo damacsan yahay inuu Daraawiish ka tago. Dabadeed Sayid Maxamed baa gabaygaan u mariyey oo wuxuu yiri:

Ragga Ayl u kacaayow farriin aada iga geeya
Aw-Jaamac dhaha aakhiriyo Eebbe ha ilaawin
Nabsigaan ayaan soo dhaxayn adigu ha u yeeran

Uquubiyo inkaar aadan qabin abid ha soo jiidan
Nin ikhwaanahoo kula arrimin maqal akhbaartiisa
Halkii kuu ekaad adigu tahay anafo ha u yeelin

Arrinkaad waddaa waa hunguri ababadiisiiyee
Uurkaaga uun dhereg la doon waa Allow sahale
U adkayso gaajada wadaad aaqilaad tahaye

Arigaaga dhaqo cayri waa taad abuur garane
Adarka ha ku ridin xoolahaad ku amranaydeenee
Adduunyada ku tacab maanta waa aakhiruu sebene

Astaadkiyo Ismaaciil wax ku ururin maayaane
Arsuqaaga Eebbaa hayee axanka ha isdhaafin.

 


 

*Waxaan ka qoray Aadan Cawl.

Xuseenow Aqoon Xume

(Jawaab)

Sayidku gabayga hore markuu maqlay usagoo dhurwaagu u doodaya wuxuu yiri:

Xuseennow aqoon xume, erey baan leeyahaye
Awal hore haddaad tiri, Eebbaa adduunka leh
Eeggana maxaw tiri, annagaa aryowga leh
Inaad laba aflaysaa, ma ansixi karaysaa
Ma Alloo kalaad tahay, mise waa ka adagtahay
War maadaa ardaalyahow, arsuqeyga celin kara
Adba waa uu ku uumaye, maanaan abuurrayn
Mase aniyo adigaa, Eebbe weyne kala xiga
Ayaantaan afura helo, maxaad uga umleysaa
Illey waa Ibraahim, aaqiba ku diinkiis
Mase waa Ogaadeen, aflagaaddadiisii
Mase waa Iljeex1 iyo, umuurtuu ku kici jiray
Gaaciyoo aboodiya, ma aabaan ka leeyahay
Haddii uu islaam yahay, Ingiriis ma aadeen
Oo inamadiisii agoon, uguma taliyeen
Cumar waa abootee, miyuu ii olmomayaa
Joofeyga odaygaan, miyuu orod holaayaa
Cabdul eeba koley tahay, miyuu aalad leeyahay
Inta kaloo aad sheegtana, waa ooryo naaga ah
Adigana urruufyahow, anigaaba kaa adag
Aawiyo Majeerteen, waa ina adeerkay
Tan iyo aamanuudii, Ilig2 baan fadhiyi jiray
Abtirsiinyahayguna, waa reer Ugaadh Cumar
Adiguna adoogaa, Uubataaluu3 lahaan jiray
Haddaad aamin doon tahay, orod aayar iga guur
Haddii kale ha ooyine, adkaysaan ku leeyahay.

 


 

  1. Il-Jeex: Xuseen Yuusuf Xirsi Dalal, wuxuu ka mid ahaa raggii abaabulay shirqoolkii Gurdumi.
  2. Ilig: Waa gacan Badweynta Hindiya gala oo Ayl ku yaal, wuxuuna ku caan yahay “Ilig-Daldala”.
  3. Uubataale: Waa ceel ka mid ah toddobada ceel ee Daallo loo yaqaan.

Dhurwaa Ariga Eebbaa Leh

Jeerkii xarunta Daraawiishtu deggenayd Ayl iyo Ilig meel bannaan ah oo la yiraahdo Galingaale ayaa dhawr gabdhood waxaa loo dhiibay ari tiro badan oo la damacsanaa in loo qeybsho niman madax Daraawiisheed ah. Dhurwaa horor ah ayaa gabdhihii mare iyo maakhad arigii uga waayeen. Gabadhii gabdhaha ariga ilaaliya madaxda u ahayd baa Xuseen Dhiqle oo raga Dariiqada ka taliya ka mid ahaa u timid markaasay ku tiri “Arigii waraabaannu uga taag la’nahay ee intaanu dhamayn miyaanay habboonayn in si uun loogu taliyo?” xuseen isagoo ujeedadiisa weyni tahay in hadalkaasu faafo si wax looga qabto ayuu ku yiri gabadhii, “Dhurwaaga waxaad ku tiraahdaa:

Dhurwaa ariga Eebbaa leh
Eebbiyo Astaakaa leh1
Oo niman dableeyaa leh
Oo niman ku dili baa leh
Waa niman Daraawiisha
Gaaciyemataan2 baa leh
Geeraarshihii3 baa leh
Laba ilmo-Garaadbaa4 leh
Cabduloo Suldaanaa5 leh
Carab6 galacyo dheer baa leh
Cumar dabagabooyaa7 leh
Joofeey Jiriidh8 baa leh
Inantii caddeyd ba leh
Cawraladabey baa leh
Suubbanaan9 samreyn baa leh
Samawadoo ka daran baa leh
Yaan gamas laguu qarine
Gablamoow iskaga leexo!

Waxaan ka qoray Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon.

1. Astaadku: Waa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ama Sayid Maxamad Saalax oo Dariiqada Saalixiya madax u ahaa, Sayid Maxamad Cabdulle Xasanna shiikhiisa ahaa.

2. Gaaciye-Mataan: Gaaciye-Mataan Faarax wuxuu ahaa farsama dhaarigii Daraawiishta.

3. Xuseen: Xuseen Faarax “Dhiqle”, waa ninkii gabayga Sayidka naawili jiray, waxaa lagu tilmaamay nin fahmo badan, Sayidkuna isaguu ku hal qabsan jiray. Wuxuu ku dhintay Gindhir 1923.

4. Labo ilmo-Garaad: Ilmo Garaad Cali.

5. Cabdul: Cabdul Suldaan Cilmi Xaaseey. Waxaa dilay Ingiriis, waxaana lagu dilay Ceeldheer 1919.

6. Carab: Waxaa loo maleynayaa Carab Maxamad Ciise.

7. Cumar Dabagabooye: Kuray aan weyneyn oo Dariiqada joogay buu ahaa ee gabayga uun baa iska qabsaday.

8. Joofey: Waa Darwiish la oron jirey Joofey Cali Jiriir.

9. Suubban: Waxay ahayd Joofeey Cali Jiriir afadiisii.

Xuseenow Caqligu Kaama Baxo

Afbakayle

Dagaallo badan baa Ingiriiska iyo Daraawiishta dhex maray. Ingiriiska wuxuu doonayay inaan dhaqdhaqaaqa Daraawiisheed dhulka ku fidin, Daraawiishina waxay doonaysay inaan Ingiriisku dhulka ku xididaysan. Labada dhinacba si daran baa dagaalkii loogu hoobtay. Dadkiina wuxuu u kala miirmay: Nin Ingiriiska la jira oo moodaya inuu dan u yahay, iyo nin Darwiish noqday oo jihaad u guntaday iyo nin duunyadiisa dhaqanaya oo aan duniba bar ka ogayn.

Arrintii oo sidaas ah ayaa Ingiriisku niman Soomaali ah Sayidka ergo ugu diray. Nimankaasi ujeeddadoodu waxay ahayd inay Sayidka kula doodaan inay yihiin dad Islaam ah oo dadkooda in la laayo iyo duunyadooda in la dhacana aanay bannaanayn. Isagana waxay la ahayd, mar hadday aqdaaamo ferenji yihiin, inaanay diintu nabad gelinayn, markaa Sayidku isagoo ka warramaaya dhibihii loo geystay, tilmaamayana goobihii laysku helay, caddaynayana doodda nimankaasu u keeneen wuxuu ka qabo, ayuu gabaygaan tiriyey. Waxaanu ku tirshey Ayl ama Ilig 1905 sida lagu wado.

Xuseenow1 caqligu kaama baxo, idam Ilaahaye
Ha laguu aqbalo duca san baan, kuu akhriyaaye
Ifkana waaya noo joog, nimaan aaminaad tahaye

Haddaad umaaddo waan kuu hubaa, ina uduu kheyre
Asaxaabihii baad u tegi, udugga weynaayee
Irdihii jannada inaad ka geli, waa ogsoonahaye

Hawl kalana waa erey yaraan, kuu erganayaaye
Alla igama qaadow adaan, kala illaawayne
Eedaanka maqal waa salaad, loo addimayaaye

Ilaahi abuurba kuwii diiday amarkiisa
Ambiyaalihii iyo kuwii, awliyada caayay
Asxaabti dariiqada kuwii, awlaxa u qaaday

Ikhyaarkooda nimankii kufriga, uga adeegaayey
Aan lagu igraahine kalgacal, ugu abraaraayey
Kuwii ubad Nasaaraad noqdee, Ferenji aanaysatay

Nimankii Amxaara u kacee, Adarinuu guurey
Oo Aw-Cabbaas2 diley, dadkaan eedi kala gaarin
Oo uunka kala fiijiyee, kala irdheysiiyey

Nimankii Amxaara u kacee, Adarinuu guurey
Oo Mililikh3 aabbe u yehee, u arrin qaadaayo
Oo Xabashi eegi u noqdee, u ololaynaayey

Ingiriiska nimankii wadee, nagu aseebaayey
Afbakayle4 nimankii wadee, nagu aseebaayey
Ee Oodagooyiyo5 na dhigay, aydii Daratoole6

Nimankii ikhwaankii jaree, aabiga u laayey
Ragga ehelu-kheyrkaa warmaha, kala ajoon waayey
Oo umal daraaddiis girliga, ugu afuufaayey

Idilkoodba nimankii dagaal, iigu imaanaayey
Nimankaan inkaaree madfaca, ololi ii haysatey
Ee ubaxcaddaydii hartiga, oofta kaga joojay

Nimankii iniinaha ka dhigay, Ilig7 wixii joogay
Ee Eerago8 iyo Batalo9, igu uquumeeyey
Ee omoska Beerdhiga10 tukaha, igu ormaysiiyey

Nimankii ayaantii Gumburo11, oboda ii dhiibay
Ardaashii Jidbaalle12 i heshee, igu unuun goysay
Nimankii uluuf iyo uluuf, igu agoomeeyey

Nimankii adduunkeygii dhacay, ariyo geeliiba
Anigoo islaamaba kuwii, ii arxami waayay
Nimankaan Ilaahoow lahaa, eyda iga doono

Abaalkayga nimankii ba’shee, ii istixayn waayey
Ahabtiyo ergeyntii kuwii, lagala ayn waayey
Nimankii ijaabada ka tagay, aakhiru sabanka

Nimankii iblays nagu diray, naga ajoon waayey
Nimankii arlada Eebbahay, naga ugaareeyey
Nimankii awaaraha buska leh, nagu eryoonaayay

Ninkii abaartii caleed, Bari na aadsiiyay
Argalkiyo rasaastii kuwii, nagu igbaaraayay
Ee urugadaan qabiyo ciil, igu abaadsiiyey

Nimankii ilmada iga qubee, oohin iga keenay
Nimankaan ku alaladay markii, uunku wada jiifay
Nimankii ujuurada cunee, iibkii ii bixiyey

Nimankii intaas nagu falaan, na asaraareynin
Waxba yey addoomaha Ilaah, nooga aargudine
Waxba yaan adduun layga siin, ilintidaydiiyee

Utuntayda waa heli haddaan, iilka lay dhigine
Araraha intaan marahayey, igu arkaayaane
Maruun baan sidii aar libaax, oodda soo jebinne

Ashtakooda’aa iyo warqado, ku andacoodaaba
Mar haddaan shareecadu aqoon, nimanka liddoora
Ashahaadadoodiyo ma rabo, ina wallayntooda

Mar haddaan wadaad aayad diin, ila ekeyneynin
Amaan aniga la i oran karayn, tanu ahaan mayso
Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubaysta.

Waxaan ka soo guuriyey Cabdi Cali Guuleed oo loo yiqiin Cabdi-Yaar 1955kii, hase ahaatee markii dambe waxaan helay gabayga oo xaruntii lagu qoray. Waxayna isku ujeeddo yihiin gabayga 4aad.

1. Xuseen: Xuseen Dhiqle, waa ninkii gabayga Sayidka naawili jiray, waxaana lagu tilmaamay nin fahmo badan, Sayidkuna isaguu ku hal qabsan jirey. Wuxuu ku dhintay Gindhir 1923kii.

2. Aw-Cabbaas Aw-Xuseen Muuse: Wuxuu ka mid ahaa kooxdii Sayid Maxamed Maka u raacday. Kaddibna Daraawiish buu noqday waxaana lagu dilay shirqoolkii Gurdumi.

3. Waa boqorkii xabashida u talin jiray 1868 – 1913.

4. Af-Bakayle: Waa goobtii ugu horreysay ee Ingiriis iyo Daraawiishi ku dagaalameen 1901dii. Goobtani waxay ka dhacday meel Laascaanood 40 mayl dhinaca galbeed ka xigta.

5. Oodgooye: Waa dooxo magaalada Laascaanood ka hooseysa. Waxaa ka dhacay dagaal Ingiriis iyo Daraawiish dhex mary 1901.

6. Daratoole: Waa balli can ah oo ka mid ah toddobada balli ee Haraxagarrey.

7. Ilig: (a) Ilig-daldala waa gacan badda gala oo Ayl 60 mayl dhinaca koonfur-galbeed ka xiga. Daraawiish baa qalcad dagaal ka dhisatay 1905. (b) Balli ka mid ah ballida loo yaqaan Haraxagarrey.

8. Eerego: Waa tog weyn oo hawd ka soo rogmada oo ku soo biyo shuba Mudug.

9. Batalo: Waa balli toga Eerago bartamihiisa ku yaal.

10. Beerdhiga: Waa goobtii saddexaad ee goobihii waaweynaa ee Ingiriis iyo Daraawiishta dhex maray. Waxay ka dhacday Xodayo 1902.

11. Gumburo: Waa buuro 44 mayl Wardheer xagga bari ka xiga. Waxaa ka dhacay dagaalkii Cagaar-Weyne 1903dii.

12. Jidbaalle: Waa goobtii shanaad ee Daraawiish iyo Ingiriis dhex martay, waxayna dhacday 1904, waxay ka dhacday dhooddida Nugaaleed bartameheeda meel Laascaanood waqooyiga ka xigta.