Tag Archives: Aw-Jaamac Cumar Ciise

Afeef

Hadddaad aragtaan gabay siduu ahaa aan loo qorin ama ujeeddadiisu siday ahayd aan loo werin, eexo nagama aha, ee aqoon baa sidaa noqotay. Horayna waxaa loo yiri: “Eebbow eexana ha nagaga tegin, aqoondarrina ha nagu cadaabin”. Inaad hagaajisaanna waa idiin furan tahay.

Waxaannu gabayada u soo qornay sidii aannu Daraawiishkii uga maqallay. Kamana tegin tuduc gabay ah oo Sayid Maxamed mariyey, maxaa yeelay, waxaannu u danaynay murtida, taariikhda Soomaalida iyo nolosheeda ee uma danaynayn qof aan dunida maanta ku noolayn oo gabayga lagu xusay.

Hase ahaatee waxaa jira dhawr gabay oo buuggan laga reebay iyo dhawr tuduc oo gabayada qaarkood laga saaray, lana filayo inay buugga danbe ku soo baxaan.

Sidaas iyo akhris wanaagsan.

Sheekh Jaamac Cumar Ciise

Xamar, 30.12.1973

Fiiro Gaar Ah

Waa inaan loo maleyn in gabayadii Sayidku mariyey halkan ku idil yihiin. Waxaa jira kuwo badan oo magacyadoodi iyo ulajeeddadoodiiba la hayo oo aan wax yaqaan la helin, welina la baadi doonayo iyo kuwa lumay.

Waxaa jira gabayo badan oo dhowr tuduc laga helay, meel laga doonana aan la ogayn. Sida loo malaynaayana dadkii qabtay ama yiqiin adduunka way ka tageen. Sidaas daraaddeed waxaad buuggan ku arki doontaan gabayo aan dhammayn. Haddaba, iskuma ladin oo meel aan u raacno ayaannu garan weynay. Sidaa daraaddeed baadi doon baa furan.

Habka Buuggu U Qoran Yahay

Waxaa la og yahay in gabayga Soomaalidu xaraf xarfaha alifka ka mid ah lagu tiriyo, hadduu ka leexdana deelqaaf yahay ama xeerkii gabayga ka baxaayo, hanaankiisu xumaanayo. Haddaba, buugga waxaan u qorray alifka Soomaaligu siduu isu xigo. A-da iyo 21ka shibbane Sayid Maxamed waa ku gabyey. Kh-da iyo Y-dase ma helin mana maqal, waxaase laga yaabaa inuu ku gabyey oo ay lumeen.

Gabayada Diiwaankan ku qorani waxay ka kooban yihiin 120 gabay oo Sayid Maxamed mariyey iyo 16 gabay oo ay rag kale mariyeen, laakiin gabayada Sayidka xiriir la leh.

Waxaannu ku dadaalnay inaannu wixii noo suuragalay oo magac dal, dad ama duunyo ahaa laqbayno ama tilmaan gaaban ka bixinno.

Gumeysiga iyo Taariikhdii Daraawiisheed

Daraawiish markay jabtay, Sayid Maxamedna geeriyooday gumaysigu wuxuu ku dadaalay inuu raadkoodii baabbi’iyo si aan loogu dayan, taariikhdoodiina looga sheekeysan. Dabadeedna wuxuu fidiyey taariikh aan raad lahayn iyo dacaayad been ah iyo xuma-ka-sheeg si aan tii oo kale waa dambe u dhicin. Wixii kutub, buugaag, gabay ama waraaq ahaana waa gubay si aan wax raad ah Daraawiish looga arag.

Waxay duni hadba heer ahaataba, waxay talo hadba geed harsataaba, afar iyo soddon gu’ iyadoo laga soo wareegay geeridii Sayid Maxamed ayaa anigiyo naftaydu ku heshiinnay inaan taariikhdii Daraawiisheed guud ahaan baadi goobo, wixii maanso ahaana gaar ahaan u raadiyo. Abbaaraha muddo sanad ah markaan wadey ayaa waxaa iga hor yimid labo dhibaato oo culculus:

  1. Tan hore nimankii Daraawiish ka noolaa oo gabayadii inay hayaan lagu malaynaayey dhammaantood waxay noqdeen reer miyi saraardaaq ah oo magaalooyinka ka dheer.
  2. Tan labaad waxay noqdeen niman haaliyoobay oo fiig ah oo si ay kuugu gole-fariistaan adag tahay, inay wax kuu sheegaan daaye!

Dabadeed waxaa lagama maarmaan noqday laba hal:

  1. Inaan helo xoolo aan ku meel maro.
  2. Inaan barto xeerka Dariiqda Saalixiya.

a)      In kastoo dhawr jeer aan ka hakaday lexajeclo daraaddeed, talo waxay iigaga ibabeeshay inaan iibiyo shan geela oo lacagtaan ka helo gabaygaas baadidoonkiisa iyo baaristiisa jicsin iyo baadifad uga dhigto. Ilaah mahaddii weeyaane, taasi waa ii meel martay.

b)      Waxaan u xeraystay koox wadaadda ah oo Saalixiya ah si aan u barto xeerka iyo xeeladda Dariiqada Saalixiya, iyana waa ii meel martay.

1955kii ayaa guntiga labada law geeyay, kitaabkana gacanta midig gashaday. Nugaal labadeeda daanna gees walba u qaaday, gugii dambena Hawd iyo Ciid baan wareegayey.

1959kii ayaan taabay taariikhdii Daraawiisheed inteedi badnayd, gaar ahaan gabaygii iyo goobihii dagaalada xumi ka dhaceen iyo gurigii Dariiqo wixii ka dhacay xumaan iyo samaan mid kastaba ha ahaatee. Waxaas oo idil waxay ku qorraayeen far carabi ah. Waxaan sugayey oo maskaxda ku hayey gooray noqotaba far Soomaali inay soo bixi doonto.

1971kii ayaa la unkay guddi afka Soomaaliga ka shaqeeya. Markaasna waxaa ii muuqday inay lagama maarmaan tahay in gabayadii la habeeyo oo laysu duwo, taasuna waxay u baahatay taageero la helo, maxaa yeelay waa hawl weyn.

1972kii bishii Jannaayo 4teedii, ayaan Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ku heshiinnay inaan u yeeriyo isna gacanta ku qoro gabayadii Ina-Cabdulle Xasan oo awal carabiga ku qornaa. Hawshaasi waxay nagu qaadatay laba sano oo gaw ah iyo afar bilood.

Gabayada buuggan ku qoran waxaa la ururshay 1954kii-1974kii, waxaana laga qoray niman Daraawiish ahaa oo marki la marinaayey Xaruntii joogay, in kastoo maanta rag yari ka nool yahay. Raggaas magacyadoodii, meeshi aan kula kulmay iyo taariikhdii aan is-aragnayba waa sida hoos ku qoran:

                Magaca                                Meeshii            Taariikhdii

  1. Cabdi-Yaar Cali Guuleed              Buuhoodle          1955kii & 58kii
  2. Maxamuud Cilmi Faarax                Buuhoodle          1955kii & 58kii
  3. Xaaji Maxamed Cawl                     Buuhoodle          1955kii & 58kii
  4. Xaaji Aaden Cawad                      Buuhoodle          1957kii
  5. Garaad Soofe Durraan                  Buuhoodle          1957kii
  6. Gallaydh Cabdi Ismaaciil               Buuhoodle          1957kii
  7. Maxamuud Xoosh Dheere              Buuhoodle          1971kii & 73kii
  8. Saliid Baynax Aaden                     Marqaan-Weyne  1955kii
  9. Xaaji Jaamac Ismaaciil DhoonLaascaanood       1957kii & 58kii
  10. Faarax Baqardhe                         Laascaanood       1957kii & 58kii
  11. Xaaji Maxamed Biixi Boos             Laascaanood       1957kii & 58kii
  12. Aw-Cabdille Ibraahim                   Boocame            1956kii & 73kii
  13. Xaaji Axmed Aaden Surgo’            Boocame            1956kii & 73kii
  14. Cali Darmaan Garaase                  Taleex               1956kii & 73kii
  15. Warsame-Geeldabar Ciise             Taleex               1956kii & 73kii
  16. Ciise-Fikad Faarax                      Qardho              1956kii & 73kii
  17. Xaaji Cabdiraxmaan S. Max’ed       Muqdisho           1959kii
  18. Xareed Duubi Deero                     Muqdisho           1963kii
  19. Xuseen-Aabi Cilmi Xaasey            Muqdisho           1964kii & 73kii
  20. Caasha Sheekh Cabdille                Muqdisho           1972kii
  21. Abokor Seed Cali                 Muqdisho           1972kii & 73kii
  22. Aaden Aw-Yuusuf Dhacdhaco        Muqdisho           1973kii
  23. Aaden Cawl Jaamac                      Ayl                    1973kii
  24. Soofe Cali Buraale                       Muq & Hargeysa  1965kii & 73kii
  25. Maxamed Nuur Cali                      Iskushuban1964kii

Raggaas waxna waa geeriyoodeen, waxna god qarkiis ayay saaran yihiin. Badankooduna Daraawiish bay ahaayeen xaruntii bayna ku dhasheen, kuna koreen, dagaalladii goobjoog bay u ahaayeen.

Waxaad gabayada qaarkood ku arki doontaa cay foolxun, hase yeeshee murti iyo taariikh ah. Caydaa waaxid iyo wadar mid kasta ha loola jeedee, maxaa keenay? Jawaabtu waxay tahay laba arrimood:

Tan hore Sayid Maxamed wuxuu rumeysnaa Daraawiishna baray Muslinka iyo gaalada dal iyo diin, dad iyo duunyo, mid kastaba ha ahaatee wax xiriir ah oo ka dhexeyn kara inayan jirin. Sidaa darteed wuxuu Sayid Maxamed Daraawiish ugu guddoomiyey ninkii gumaysiga la dersa ama la daawa leh taageera in la caayo oo la cambaareeyo, bal inuu ceebayntaa wax ku qaato ama dadka xaggiisa ka cadhoobo.

Tan labaad rag colloobay, cay, aflagaaddo iyo hadal xun oo la isu diraa waa lama huraan. Haddaynnuse gabayadii Soomaalidii hore isu marin jirtay gaar ahaan u eegno ama ummadaha kale gabayadooda guud ahaan u eegno, waxaannu ka garanaynaa caydu inay murtida ka mid ahayd, tusaale ahaan waxaa u soo qaadan karnaa gabayada ay carabtu isu marin jirtay oo diiwaanno fara badan ka buuxa.

Dagaalkii Horreeyey

1900kii ayaa Ingiriisku col lixaad leh soo qalqaaliyey si loo damiyo dabka halkaas ka baxaaya intaanu dhulka ku fidin, haddaba xabbaddii maalintaa la riday waxay dhacaysay 20 gu’.

Inta la hubo ama taariikhdooda la hayo Daraawiish iyo Ingiriis waxay ku kulmeen 41 goobood. Goobihii ugu waaweynaa ama dagaalkii xumi ka dhacay waxaa ka mid ah kuwan:

Dagaalkii         Oo Dhacay

Afbakayle           03.05.1901

Fardhiddin          16.07.1901

Beerdhiga           10.08.1902

Cagaarweyne       17.04.1903

Daratoole           18.04.1903

Jidbaalle           10.01.1904

Ruuga               09.10.1913

Dayuuraddii            01.1919

Ingiriisku dagaallada wuxuu u qaybiyaa saddex duullaan oo mid waliba socday dhowr gu’, mid walibana lahaa tabo iyo xirribo gaar ah iyo xoolo loogu tala galay, inkastoo aan guul laga gaarin.

Dadka Soomaalida markay rumi run geyday wuxuu u kala jabay laba meelood. Dad gaalka raacay oo garab iyo gaashaan u noqday, iyo dad Daraawiish raacay oo jihaadkii la galy.

18 gu’ markii dagaalkii socday, habeen iyo dharaarna laysku aloollaa, labada geesoodna lagu hoobtay, dad iyo duunyana lagu cayroobay, Daraawiishina ku luga baxsatay buuraha Ceerigaabo iyo arladaas badyayrada Cadmeed u jeedda ayaa Ingiriiska arrini ku caddaatay. Dabadeed talo wuxuu ku goostay in Daraawiish dayuurado lagulo dagaallamo mooyaane aan si kale waxba lagaga qaban karin.

1919kii bishii Jannaayo ayaa Ingiriisku Daraawiishi kaga soo duulay cir iyo dhul, bad iyo berri intaba. Siddeed dayuuradood oo ugu horreeyay waxay duqeeyeen Mirashi, Jiidali iyo Baran, meelahaas oo Daraawiishtu qalcado ku lahayd. Ceeldheer meesha la yiraahdo ayaa lagu soo riday diyuurad siddeeddii dayuuradood oo ugu horreeyay ka mid ahayd, maalintii danbena Taleex bay ku duuleen inkastoo bamkii waxba ka tari waayay.

Daraawiish waxay la ahaatay mar haddii hub aanay haysan iyo dayuurado lagula dagaallamay inay Nugaal iyo agagaarkeeda ka guuraan oo u qaxaan dhinaca koonfur si ciidankooda meel uga soo wada jeesto, maxaa yeelay Daraawiish xoog leh ayaa fadhiday webi Shabeelle iyo agahiisa oo Khaliif Sheekh Cabdille madax u ahaa. Nin haray iyo nin itaal waayay mooyaane, Daraawiishi waxay isugu tagtay Qorra, Shinniile iyo Horushagax, halkaasaana Xaruntii degtay.

Rag talo kama dhamaato ciil horena waa qabeene, ciidan bay qalqaaliyeen si rogaal loogu celiyo. Iyadoo guuti lixaad leh laysu dumay, ambabaxna heegan loo yahay ayaa duumo, daacuun, fanto iyo furuq miduu ahaaba Eebbe Weyne tacluus ku fariisiyey. Raggii duullaanka u heeggannaa ama dagaalka geli lahaa waxay noqdeen in taal iyo tarabtarab u la’atay. Ingiriisku markuu taa ogaaday, guuto camaaryalay ah oo Soomaalidii raacsanayd u badan buu ku soo bixiyay. Iyadoo Daraawiishii tahay in le’atay iyo in jiifta iyo in aan itaalba hayn, ayaa colkaas galay, kaas oo qalqaaladiisa, hubkiisa, raashinkiisa iyo wareegadiisaba Ingiriisku lahaa. Waxaa Ingiriiska maammule uga ahaa Sir Archer Soomaaliduna u tiqiin Caarshe-Dheere. Hase ahaatee ciidanka Ingiriis u dagaallamayey wuxuu ahaa Soomaali soocan oo aan la tarraxin. Colkaasi dad wuxuu helayna waa laayay, duunya wuxuu helayna waa taabay.

Xooluhu helay waxaa ka mid ahaa geela la baxay “Hagoogane”. Wuxuu geelaasi magaca kula baxay: “ninkii geelaas ka saami galeyna kibir buu la hagoogtay, ninkii ka qadayna ciil buu la hagoogtay”.

Labaatankii gu’ ee dagaalku gumaysiga iyo Daraawiish ka dhex socday waxaa dhacay wax weyn, dad wixii la laayey ama haasahaasihii ku lumay iyo duunyo wixii la dhacay ama daar burburay ama degel rogmaday, gabbal dhacay iyo waa beryey wixii guuto gelibaxaysay iyo faras wixii weerar u taagnaa, qalinna laguma qori karo, afna loogama sheekayn karo, lamana qiyaasi karo. Aan soo qaadanno gabay yar oo wax ka tilmaamaya wixii meeshaas ka dhacay.

Waxaa la wariyey Ismaaciil Mire iyo wadaaygiisii Xaaji Maxamed Cawl inay reer ku soo hoydeen. Qof dumar ah oo reerka joogtay ayaa Ismaaciil maagtay oo waxay ku tiri: “Wiilashaydii adaa laayay, awrtaan ku guuri jirey iyo arigeeygiina idinkaa dhacay, wixii guuldarro i gaarayna idinkaa ii geystay”. Ismaaciil ayaa hadalkii islaanta ka xumaaday oo garaysan waayey, maxaa yeelay wuxuu rumaysnaa inuusan wixii Daraawiish iyo dad kale kala gaaray isagu uusan u qoolmi karin. Dabadeed, isagoo wixii dhacay lama wada sheegi karee, wax ka taabanaya, wadaygiisiina ku halqabsaday wuxuu yiri:

Gelin dhexe xalaan Maxamadow geyrtay oo kacaye
Gam’ina waayey hadalkay i tiri gacallow naagtiiye
Adigay gablay tiri markaad gaaska wadateene
Waxay tiri adaa igu gondolay garangartaan iile
Waxay tiri aday guri dhigoo ma lihi gadiide
Waxay tiri adaa gelengal tubay garayartaydiiye
Waxay tiri guyaalkii adaa gaajo ii dilaye
Waxay tiri gurboodkii adaa geesuhu dhigaye
Guhaaddeeda aan jirin balaan gabay ka soo qaado
Gumburo iyo Cagaarweyne iyo geedkii Daratoole
Goobtii Jidbaalle iyo Xargaga guuldarradii joogtay
Gembigii ka dhacay Ruuga iyo gudurigii haagay
Gabooddeeda Beerdhiga wixii la isku gooraamay
Meydkii gabraday seerigay Good ku tumanaysay
Gawarkaad maraysaba laftaad galayaxaa mooddo
Ogaadeenka gaanka ah wixii geydho laga qaaday
Iiddoor cayuun godan wixii gelin la weydaarshay
Shirshooraha gudbani cayr wuxuu gorof la meeraystay
Garcas iyo Majeerteen wixii guuyo laga dhaarshay
Gob ninkii ahaan jiray wuxuu gibil madoobaadey
Giddigiis naflaa’iga wixii gobolba meel aadey
Dayuuradaha gowliyo wixii samada guuraayey
Daarihii gelgelintaa noqdiyo gebiyadii ciiray
Wixii guuldarriyo hoog ka dhacay dunida guudkeeda
Gembigiyo jahaadkii arlada gaday wixii joogey
Gaaliyo Daraawiish wixii uunka kala gaarey
Kaligey ma wada geysannine la isku geeryooye
Geyigii rogmaday oo dhan baad guudka ii suriye
Waxbana hay gurreynine denbaad galabsanaysaaye
Gartaa maaha naag yahay inaad ii gilgilataaye
Gashi kaama qabo oo ma layn gabannadaadiiye
Gambana kaama furan baan u fili gulufaydeyiiye
Naa gefkiyo beenta daa yadan gelin godadkii naareede.

Firdhadkii Daraawiisheed iyo wixii ka harayna waxay galeen Qarrijiqood, ugu dambaystiina waxay tageen go’ane Iimey oo ku taal webiga Shabeelle xaggiisa sare. Meel ay Daraawiishi daar ka dhisto ama ay dab ka belbeliyaan waa meeshii ugu dambaysay. Sayid Maxamedna halkaasuu ku geeriyooday 1921kii.

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

Sayid Maxamed wuxuu dhashay markay taariikhdu ahayd 1856kii gu’ga la baxay ama la oron jiray Gobaysane. Wuxuu ahaa gu’ barwaaqo ah oo dad iyo duunyo wixii dhashay hanaqaad noqdeen. Wuxuu Sayidku ku dhashay balliga la yiraahdo Sacmadeeqo oo 7 mayl u jira Buuhoodle, kana xiga dhanka waqooyi, guud ahaanna dalka waxaa loo yaqaan Nugaal. Hooyadii waxaa la oron jiray Carra Seed Magan, Quraankana wuxuu ku bartay gurigoodii. Cilmiga diinta wuxuu ka raacday xer fadhiyi jiray Nugaal xarunteeduna ahayd dooxada la yiraahdo Casuura iyo Yaaheel.

Abbaaraha 1892kii wuxuu u kacay Maka iyo Madiina, waxay is raaceen 13 wadaad oo ay isku xer ahaayeen. Laba gu’ iyo dheeraad bay Maka iyo Madiina ku maqnaayeen. 1895kii ayaa Sayid Maxamed ku soo noqday dhulka Soomaaliya, wuxuuna ka soo degay xeebta magaalada Berbera oo markaa Muslin iyo gaalba aad loo degganaa.

Waxaa la yiri markuu Sayid Maxamed doonniduu la socday ka soo degay ayaa Ingiriisku ku warsaday dekedda canshuur inuu bixiyo. Wuxuu ugu afceliyay: “Adiga yaa canshuurtii kaa qaaday markaad halkan ka soo degtay?” Dabadeedna afceliyihii baa ku yiri gaalkii: “Waa wadaad walan ee inaka daa!” Sidaas daraadeed waxaa Ingiriisku ku magacaabay Wadaadkii Waallaa.

Arar Guud

Afka Soomaalidu waa af ballaaran, erayadiisuna badan yihiin, dhan loo eegaba hadal iyo hawraar, maanso iyo maahmaah, gabay iyo geeraar, masafo iyo madaddaalo, hees iyo heello, sheeko iyo shararraaxin, qorriin iyo qun-u-hadal, gees loo dayaba waa af hodon ah, oo murti iyo macaan ka buuxaan, qoto dheeri iyo qaayana Eebbe weyne u yeelay, dadka ku hadlaana ku kalsoon yihiin, dantooda iyo waxay doonayaanna ku sheegan karaan. Eray walba oo erayadiisa ka mid ihi wuxuu leeyahay dhowr eray oo la mid ah ama la macno ah. Eray walba waxaa ka abuurma dhawr eray oo kale. Af Soomaaliga wuxuu ka mid yahay afafka looga hadlo Geeska Afrika, welina run ahaan looma oga afka uu la bah yahay. Waxayse leeyihiin nimanka afafka baaraa wuxuu ka mid yahay afafka reer Xaam, gaar ahaan “Kuush”. Xiriir dheerna wuxuu la leeyahay afka Gaallaha.

Inkastoo af Soomaaliga aan dhab loo baarin lama oga taariikhdii maansada la billaabay. Gaar ahaan gabayga, oday ma sheegin, wiilna aabbihii kama werin. Haddaba ninkii yiraahda: “Waagaas baa gabay la billaabay ama nin hebel baa billaabay ama ugu horreeyay,” been buu sheegay. Waxaa hubaal ah hadaynu dhab ugu fiirsanno dhismaha guud ee hadalka ama maansada xeerka loo mariyo ama habka iyo hannaanka gabaygu u dhisan yahay iyo sida qof waliba u yaqaan waddada loo maro ama sida deelqaafka iyo laaxinka looga ilaaliyo waxaad garan kartaa inuu af Soomaaligu fil weyn yahay oo taariikh dheer soo maray.

Guud ahaan af Soomaaligu wuxuu u kala baxaa hadal iyo murti:

  1. Hadal waa erayada qayaxan oo aan taxnayn, jiib iyo luuq midna aan lahayn, warkana laysugu tebiyo.
  2. Murtiyina waa erayo taxan oo jiib iyo luuq leh, deelqaaf iyo laaxinna aan lahayn, warkana laysugu tebiyo.

Murtidu waxay u kala baxdaa maanso iyo hees. Heesku wuxuu u kala baxaa laba qeybood: hees hawleed iyo hees cayaareed.

Hees hawleed waa heeska hawshu lagu qabto, hawshaasu hawl xoolaad ha ahaato ama hawl farsamo ha ahaatee.

Hees cayaareedna waa heeskii sacab ama jaanta loo tumo ama durbaan loo garaaco oo looga jeedo farax, maaweello, madaddaalo iwm.

Labadaas qaybood oo aanu soo sheegnay haddii la falanqeeyo mid waliba wuxuu noqonayaa bad aan xeeb lahayn iyo berri aan laga hoyan karin iyo biyo aan laga bixi karin.

Ujeeddadayadu ma aha inaanu heesaha halakan kaga sheekeyno, tusaale ma’ahe, hasa yeeshee, dulucdu waxay u dhacaysaa qaybta maansada iyo wixii la xiriira.

Haddaynu u dhabbagalno maansadu waxay u kala baxdaa toddoba qaybood oo kala duwan, kuwaas oo ah:

  1. Gabay
  2. Geeraar
  3. Masafo
  4. Jiifto
  5. Weglo
  6. Guuroow
  7. Buraanbur

Toddobadaas qaybood ee maansadu u kala baxdo waxaa calanka u sida gabayga. Siday isu xigaan bay u kala qaaya weyn yihiin. Soomaalidii hore ninka gabyaaga ah iyo gabayguba qaayo weyn iyo qiima badan bay la lahaayeen, dadka dhexdiisana xurmo iyo xarragay ku lahaayeen, xulquun iyo xoolana waa u oggolaayeen, maxaa wacay gabaygu wuxuu ka mid ahaa ciidanka iyo gaashaandhigga dadku ku tala galo. Aan ka soo qaadno iyadoo col la duulinaayo. Waxaa lagama maarmaan ahaan jiray in nin gabyaa ahi colka la socdo. Haddaba, haddii colkaasi soo guulaysto, geelna helo, ninka gabyaaga ah waxaa la siin jiray saami dheraad ah oo loo yaqaan hashii gabay.

Guud ahaan af Soomaaligu murtida iyo macaanka waa ka siman yahay, gabayguna waa ugu horreeyaa, waana ugu hana qaadsan yahay, waxaana la moodaa inuu kuwa kale ka qiimo weyn yahay. Dadka maansada tiriyaa, gaar ahaan gabayga waa kala hadallo waaweyn yihiin ama hillinka maansada iyo hogta gabayga waa kala heli og yihiin, danta iyo ujeeddada waa kala abbaari og yihiin. La arkee nin gabyaa ihi inuu meel ku fiican yahay meelna ku liito, meelahaas oo ay ka mid yihiin kuwakani:

  1. Ammaanta
  2. Cayda
  3. Faanka
  4. Digashada
  5. Diradiraha
  6. Calaacalka
  7. Guubaabada
  8. Waanada
  9. Kuhaanka
  10. Xikmadda

Waxaan horay u soo sheegnay maansadu inay u kala baxdo toddobo qaybood. Haddaba ha u malayn inay intaas ku kooban tahay. La arkee inay jiraan kuwa aannaan aqoon ama aannaan maqal. Waxaanan sheeko ku maqal shaahidna ku arag nin toddobadaas qaybood oo aan horay u soo sheegnay ku wada maansooday.

Sayid Maxamed baa ugu dhowaa oo wuxuu yiqiin shanta u horraysa, buugganna mid walba wax baa kaga jira, weglada ma ahee, inkastoo ayan is xigin. Halkaas waxaad ka garanaysaan in Sayid Maxamed ahaa nin aqoon dheer iyo aftahmo Eebbe hibo u siiyey. Wuxuu kaloo hanaqaad ku ahaa hilin kasta oo hilimada maansada loo qaado, ama ay ka ambabaxdo. Hadday ahaan lahayd guubaabada, ammaanta, cayda, calaacalka, faanka, digashada, diradiraha iyo xikmadda.

Ciidamadii Daraawiish ee Sayid Maxamed hoggaanka u hayey, ammaanduulahana u ahaa ee geyiga Soomaaliyeed gariirshey, gaalana u xiiray, dad iyo dhammina agtooda ka guuray 25kii gu’ ee u dhexeeyay 1896 – 1922kii wixii isu keenay ama hiyi kiciyey ama isku dubbariday waxaa u weeynaa maansadii gabbal dhacay iyo waa beryeyba la marinaayey. Haddaba aftahamadaa ballaaran iyo fasaaxaddaa la yaabka leh, ma cid buu Sayidku ka dhaxlay ama ka hiddo raacay? Mise waa hibo Eebbe siiyey? Waxaynu oron karnaa taasi waa baraakiin Rabbi beerka u geliyey, af Soomaaliga wuxuu kaga faseexad badnaa diinta Islaamka iyo afka Carabiga.

Markaa ka dib wuxuu billaabay waxbarid iyo diinta Islaamka fidinteeda, taasuna dhulkii waxay gelisay dhaqdhaqaaq cusub iyo bulaan. 1884kii ayaa Ingiriisku goostay inuu guumaysto dhulka Soomaalida. Dabadeedna waxaa yimid wadaaddo fidinaayo diinta Masiixiga. Haddaba Sayid Maxamed waxaa u muuqatay in dalkiina la qaatay, diinta Islaamkana la xididdo bixinaayo.

Sayid Maxamed wuxuu ku tashaday inuu taa ka dagaallamo wixii karaankiisa ahna tallaabo ka qaado. Wuxuu billaabay waano iyo wax-u-sheeg si uu dadka u garansiiyo ujeeddada guumaysigu waxay tahay ama waxa uu doonaayo ee uu damacsan yahay.

Markuu reer magaalihii wax garab joogsada ama u gargaara, guumaysigana ka dhiidhiya ka waayey, wuxuu goostay inuu miyi u kaco, maxaa wacay dadka Soomaalida boqolkiiba-95 waxay degganaayeen miyiga; itaal, awood iyo adduunba waa ku lahaayeen.

1897kii isagoo koox wadaaddo ah wata buu ka soo baxay Berbera, dabadeedna wuxuu shalmadda dhigay ceel la yidhaahdo Qoryaweyn oo 60 mayl u jira magaalada Burco, kana xiga geesta koonfur-bari. Wuxuu halkaa ka abuuray ururkii ugu horreeyey dhiskii Daraawiisheed (Xarunta). Intaan laba gu’ iyo dayri ka soo wareegin markuu Berbera ka soo baxay wuxuu isku dubbariday dadkii dhulka degganaa oo dhan, warkiisiina gees walba waa u fiday.

Ingiriisku taas ma filayn maskaxdana kuma hayn, mana malaynayn inuu Sayid Maxamed col uruursi ku maqan yahay, dad oo dhammina raacay. Wuxuu warkii ku noqday argaggaxiso iyo layaab! Waxay la sii yaabeen markay u caddaatay wuxuu meesha ka wado ama ka damacsan yahay iyo sida dad isugu dumay ama isugu dubbariday dadka xaddigaas leh.

Daraawiish waxaa la dagaallamayey oo ka soo horjeeday lix ciidan oo kala duwan, kuwaas oo kala ahaa:

1)      Ciidanka Ingiriiska

2)      Ciidanka Talyaaniga

3)      Ciidanka Xabashida

Oo saddexduba doonayey inay qabsadaan dalka Soomaaliyeed.

Saddex boqor ciidamadood:

4)      Suldaan Cali Yuusuf oo Hobyo u talin jiray.

5)      Boqor Cismaan oo gobolka Bari u talin jiray.

6)      Garaad Maxamuud Cali Shire oo degmada Laasqoray u talin jiray.

Saddexdaas boqor waxay ciidamada guumeysiga gacan siinayeen si ay talisyadoodu u nabad geliyaan. Daraawiishi intaas oo dhan gaashaanka ayay u qabteen, in badanna waa ka libeysteen.

Nin kastaa waa og yahay ama waa maqashoon yahay Sayid Maxamed iyo Daraawiishi heerkii sare ee ay gaareen iyo wixii gaalo iyo cawaankeed kala gaaray ama waxay kala muteen. Haddaba aan soo qaadanno taariikh gaaban.

Mahadnaq

Waxaa ila gudboon inaan u mahad naqo dadkii buuggan qoristiisa, garaaciddiisii iyo isuduwiddiisa igu gargaaray. Dadkaasna abaalkooda Eebbe weyne ayaa gudi kara.

Iyagoo dadkaasi fara badnaa waxaanan halmaami karayn:

A)     Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo diiwaankan soo saariddiisii gacan weyn ku lahayd.

B)     Axmed F. Cali “Idaajaa” oo aan u yeerin jiray buuggan habeen iyo maalin, oo hawl weyn ka qabtay gabayadaa qorriinkoodii.

T)         Cumar Aw-Nuux Maxamed oo qoridda iyo garaacidda makiinadda gacan buuxda ku lahaa, markaan billaabay illaa dhammaadkiisii.

J)  Jaamac Xaaji Xasan Cilmi oo had iyo jeer gabaygii dhammaada garaaciddiisa makiinadda la kor taagnaa oo aan oron karo hawl weyn baa ka soo gaartay.

X)Faadumo Xasan Maxamed oo sidaas oo kale garaacidda buuggan qayb weyn ka qaadatay.

Kh) Dr. Yaasiin Cismaan Keenadiid oo nagala talin jirey habka iyo hannaanka buugga loo qorayo.

D) Aw-Daahir Afqarshe oo had iyo jeer aan gabayada kala tashan jirey.

Xusuus gaar ah waxaa iga mudan raggii Daraawiisheed ee gabayadan laga soo guuriyey oo badidoodii ciidda ka hoos mareen.

Sheekh Jaamac Cumar Ciise

Ururiyaha Diiwaanka

Gogoldhig

Diiwaankan Sayid Maxamed wuxuu ka kooban yahay 120 gabay oo ka mid ah gabayadii Sayidka. Gabayadaas oo jaad walba leh, waxaa soo ururiyey Sheekh Jaamac Cumar Ciise oo ka mid ah Guddiga Af Soomaaliga. Sheekh Jaamac wuxuu kaloo ka mid yahay ragga gabayada, taariikhda Sayidka iyo Dhaqdhaqaaqii Daraawiishta dhab u yaqaan kuwa ugu fiican.

Gabayadu waxay muujinayaan taariikhdii weyneyd ee Sayidka iyo halganki Daraawiishta. Waxay kaloo tusayaan heerka sare ee Sayidku murtida iyo suugaanta Soomaalida ka joogay iyo sida uu suugaanta ugu xeel dheeraa.

Diiwaankan waxaa Guddiga Af Soomaaliga u soo gudbiyey Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Akadeemiyada Dhaqanka si ay isha u mariyaan, waxay u la ekaataba uga soo yiraahdaan. Dabadeed haddii guddigu eegay, aad buu ugu bogey gabayada iyo habka wanaagsan ee loo uruurshay labadaba.

Sidaas darteed, waxaa uu Guddigu gartay in diiwaankan sida uu yahay degdeg loogu daabaco.

Guddiga Af Soomaaliga

Xamar, 01.01.1974

Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

HORDHAC

Sida la og yahay ummad kasta oo af, dhaqan iyo hidde wadaagta waxay leedahay murti iyo suugaan u gaar ah oo ay ku hirtaan. Hal-abuurayaasha dejiya suugaantaasna waxaa la og yahay iney door weyn ka cayaaraan isuduwidda, kicinta iyo horumarinta ummaddaas.

Sayid Maxamed wuxuu ka mid yahay abwaannada waaweyn ee taariikhda Soomaalida meel ka galay. Taasna waxaa u aqoonsan dadkiisa iyo dadyowga kale markay u sugnaatay inuu ahaa geesi waddani ah, gabyaa aftahan ah, buuni cilmi leh, siyaasi xirribbo badan. Intaaba waxaa marag u ah gabayadiisii jaad walba leh, waxaana garan kara qofkii murtidiisa dhuuxa marka laga eego xagga suugaanta, siyaasadda, wadaninnimada iyo aftahannimada ku jirta.

Diiwaankan waxaa ku qoran 120 gabay oo Sayid Maxamed tiriyey intii u dhexeysay 1904tii – 1920kii, iyo 16 gabay oo gabayada Sayidka xiriir la leh. Guud ahaan waxay gabayadaasi muujinayaan dhaqankii Soomaalida iyo heerkii suugaantu waqtigaas joogtay. Wixii gabay, geeraar iyo jiifto Sayidka laga hayey, oo saddex cay ah oo gaaban nisbadooduna aynan sugnayn ma’ahee, intii kale halka ayey ku dhan yihiin.

Marka waxbarasho guud mooyee, waxay gabayadu albaab weyn u furayaan qoraalka suugaanta af-Soomaaligu hodonka ku yahay. Waxayna dhaxal u noqon doonaan dadka danbe ee wax qori doona. Kuwaas oo buuggan ka heli doona tusaalooyin badan oo waxtar u leh.

Odayaashii tan iyo muddo dheer u guntaday inay uruuriyaan ka dibna qoraan buuggan, waxaa sharaf iyo abaalmarinba ugu filan inay wariyeen wixii mahadho Sayidka laga hayey, anaguna waxay naga mutaysteen mahad iyo ammaan.

Jaale Maxamed Aadan Sheekh
Xoghayaha Dowladda
Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

___________________

TUSMADA DIIWAANKA

Gabayada ku socda xarafka “A”
Gabayada ku socda xarafka “B”
Gabayada ku socda xarafka “T”
Gabayada ku socda xarafka “J”
Gabayada ku socda xarafka “X”
Gabayada ku socda xarafka “D”
Gabayada ku socda xarafka “R”
Gabayada ku socda xarafka “S”
Gabayada ku socda xarafka “SH”
Gabayada ku socda xarafka “DH”
Gabayada ku socda xarafka “C”
Gabayada ku socda xarafka “G”
Gabayada ku socda xarafka “F”
Gabayada ku socda xarafka “Q”
Gabayada ku socda xarafka “K”
Gabayada ku socda xarafka “L”
Gabayada ku socda xarafka “M”
Gabayada ku socda xarafka “N”
Gabayada ku socda xarafka “W”
Gabayada ku socda xarafka “H”