Yearly Archives: 2014

Dayax

Gabaygaan waxaa tiriyey Axmed Ismaaciil Diiriye oo ku magac dheer Qaasim. Qaasim gabaygaan waxaa uu curiyey sanadkii 1964-kii markaasina waxay ka mid ahayd waqtigii ay umada Soomaaliyeed sida foosha xun u hogaaminayeen mudanayaashii ay dadku soo dooran jireen. Wuxuuna yiri:

Dayaxaa lakala boobayaa iyo dirirki cawleede
Dabagaabihii laga career dunina yeelkeede
Xidigtii dagaariyo la dhaaf diilintii furey e.
Dibbaa laxaha loo eegayaa sacana waa dhaafe
Duqii samada lagu sheegayiyo dide ciijiidhiiye
Dabaylaha rag baa kala yaqaan dawga loo maro e
Hadba waqalka dihin Ruushku wow doogsin cararaaye
Daruuraa laweeraray nin ogi dan uga faalooye
Ha yeeshee dabkeedu haba’ee doqoni waa mooge
Nin da’diisu meeshaa tagtoo daalan baan ahaye
Daab gudimo wali sooma jarin wiilashaan diraye
Halka dunida lagu geedi yahay dayiba maysaane
Umadii daryeel wali mahelin daacada ahayde
Sidii bay u dooyaysan tahay damasha waaweyne
Sidii buu dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha e.
Sidii bay dudada aar dhiciyo dacaw u joogaane
Sidii bay dushaa uga sidaan dumar caruurtiiye
Sidii bay dagmadu ceelashii ugu dar leeftaaye
Sidii bay docaha aqaladii uga daloolaane
Sidii bay daroorimada iyo daad u galayaaye
Sidii baa dagaalow biyaha loo dawariyaaye
Sidii bay u daba goosi tahay haradii dooloode
Oy waliba dibindaabiyo iyo diriri joogtaaye
Waa kaa dareersaday Amxaar dayr cadkii dhalaye
Dambi kuma hadlaayee ma arag dawladaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka Soomaali baad dugulka moodaaye
Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Kaaral e
Meeshaan dad aan urursho iyo dirir ka eegaayey
Iyaba waa darxumo ii hadhee dacar miyaan leefay
Ma doraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay
Sidii aan dayfeysanahay miyaan dawgii ka habaabay
Waxba arartu yay ila durkine waxaan ku soo duubay
Maruun buu daf oran nabsigii diinku soo sidaye
Maruun bay daruur caafimaad dooxa soo rogiye
Darridaa abaarta ah mar buu doog ka soo bixiye
Dibjirkiyo marbay reer miyigu daasadaa qubiye 2
Maruunbuu dagiigaxan ragii daalanaan jiraye
Oo dabar danbeedkiyo dhibtiyo diidi keenada e
Maruun buu daboolka iska rogi doob la quursadaye
Dibnihii shakaalnaa marbaa dooda loo furiye
Markaasaa la daydayi xaqii naga dahsoonaaye.

SHARAXA EREYADA
1. Waxaa loo tartamayaa dayaxa iyo xidigaha tagistooda.
2. Laga career: laga tag, laga fogaa.
3. Xidigihii inoo muuqanayey iyo jiitintii waaq habaar qaba haatan la dhaaf oo kor baa loo sii socdaa.
4. Lo’da iyo laxaha labaduba waa xidigo laga faaliyo.
5. Duqa samada: awrka cirka
6. Cirjiidh: xidigo.
7. Doolo: waa harooyin hawada ku yaal.
8. Kaaral: waxa uu ahaa gaal Ingiriis ahaa oo 18 sano Waqooyi xukumi jiray.

WEYDIIMO
1. “Ha yeeshee dabkeedu ha ba’ee doqoni waa mooge.” Waa maxay waxa Qaasim leeyahay doqonta lama socoto? Yuuse doqonta ula jeedaa?
2. Meesha uu leeyahay da’diisii baa gaadhay waa xagee?
3. Ka hadal waxyaabaha kuu muujinaya dawladii Soomaaliyeed ee markaa dalka ka talinaysay in aanay dalka wax hormar ah gaarsiin.
4. Sadexda su’aalood ee Qaasim is weydiinayaa shucuurtiisa wadaninimada ah maxay kaaga muujineysaa?
5. Si kooban uga hadal tuducyada soo socda waxa ay muujinayaan:

“Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye.”

“Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Kaaral e.”

“Dusha midabka Soomaali baad
dugulka moodaaye.”

  1. Faallo kooban ka bixi todobada tuduc ee gabayga ugu dambeeya.

Boqorka iyo Galleyrkiisa

Jeems Bidaarguul

Jankiis Khaan wuxuu ahaa boqor weyn oo dagaalyahan ahaa. Wuxuu ciidankiisu isagoo hogaaminaya kuduulay Shiinaha iyo Furus, wuxuuna qabsaday dhulal badan. Waddan kasta, dadkiisa waxay sheegi jireen ficiladiisii; waxayna yiraahdeen illaa xilligii Aleksandar-kii Weynaa, boqor Jankiis la mid ah lama arag.
Maalin maalmaha ka mid ah, isagoo deegaankiisa jooga, dagaalna uu ka nastay, ayuu isagoo faras saaran duurka galay si uu usoo ugaarsado. Waxaa la socday saaxiibo fara badan. Socdaalkooda waxaa ka muuqday farxad, waxayna siteen qaansooyin iyo leebab. Gadaashooda waxaa daba socday adoomadooda oo watay eeyaal.
Waxay ahayd koox ugaarsato oo dhameystiran. Keyntii waxaa laga maqlayay qeyladooda iyo qosolkooda, waxayna filayeen in ay la hoydaan ugaar aad u fara badan.
Boqorka gacantiisa waxaa dul fadhiyay galleyr uu aad u jeclaa, waayo waagaas galleyrada ugaarsi ayaa loo tababari jiray. Hal eray ayuu mulkiilaha ku oran jiray, markaasey cirka u duuli jireen iyagoo raadinaya ugaar. Hadey nasiib wanaag arkaan sagaaro ama bakeyle, waxay soo dagi jireen iyagoo usoo dhacaya sida fallaar la soo ganay oo kale.
Markuu habeenki soo dhawaaday, waxay ugaarsatadi bilaabeen in ay dheelmadaan. Marar badan ayuu Boqorku dhex maray keyntaan, waddooyinka si fiican ayuu u yaqaanay. Haddii ay ugaarsatadii qaadeen waddadii ugu dhoweyd, Boqorkii wuxuu qaaday waddo dheer oo dhex marta waadi ku yaala laba buurood dhexdooda.
Maalintaa maalin aad u kulul ayey ahayd, Boqorkiina aad ayuu u oomanaa. Galleyrkiisi mar hore ayuu gacantiisa ka duulay, waxaa hubaal ahaa in uu galleyrku iskii u dheelman doono.
Boqorka si tartiib ah ayuu u watay faraskiisa. Mar hadda ka horeysay ayuu aagaan ku arkay balli biyo nadiif leh, khaasatan waddaduu hadda marayo. Yaa mar un tusa balliga! Laakiin maalmihii kululaa ee jiilaalka ayaa qalajiyey balliyaashi buuraha ku yaalay oo ay biyuhu ka soo burqan jireen.
Ugu danbeyntii, wuxuu aad u farxay markii uu arkay biyo ka soo dhibcaya dhagax dhinaciisa. Wuxuu ogaaday in uu kor jiro balli. Xilligii roobabka, wabi ay xawaarihiisu aad u xoog badan yihiin ayaa meeshan ka qulquli jiray; laakiin hadda wuxuu isu badalay hal dhibac oo marba soo dhacaysa.
Boqorkii faraskii ayuu kadagtay. Wuxuu boorsadiisa ugaarsiga kala soo baxay koob fidda ah. Wuxuu u hoos dhigay dhibcihii soo dhacayey.
Waqti dheer ayey ku qaadatay in uu koobki buuxsamo; Boqorkana aad ayuu u oomanaa, si adag ayuuna u sugay. Ugu danbeyntii wuu buuxsamay. Wuxuu saaray bushimihiisa, wuuna cabbi rabay.
Mar un, sharqan ayaa laga dareemay hawada, koobkiina gacantiisa ayaa laga riday. Biyihii oo dhan dhulka ayey ku daateen. Boqorkii kor ayuu eegay si uu u arko ciddii falka ka danbeysay. Waaba galleyrkii uu jeclaa!
Galleyrkii ayaa cabbaar dul heehaabay balliga, kadibna dul dagay dhagax balliga agtiisa ah. Boqorkii koobka ayuu dib u qaatay, haddana wuxuu u hoos dhigay dhibcihii biyaha.
Goortaan wax badan ma uusan sugin. Koobka barkiis markuu buuxsamay ayuu u qaaday xagga afkiisa. Laakiin intuusan taabsiin bushimaha, galleyrkii ayaa hoos u soo duulay mar kale, gacmaha Boqorkana ka tuuray koobkii.
Hadduu Boqorki xanaaqay. Mar kale ayuu isku dayay in uu cabbo, markii saddexaadna galleyrki ayaa cabbitaankii u diiday.
Markaas ayuu Boqorki aad usii xanaaqay. “Sidee baad saan iigu gali kartaa?” ayuu yiri, “Haddaad ii gacan gasho, qoortaada ayaan maroojin doonaa!”
Mar kale ayuu koobki buuxiyey. Laakiin intuusan isku dayin in uu cabbo, wuxuu galka ka siibtay seeftiisa.
“Hadda Jaalle Galleyrow,” ayuu yiri, “waa markii ugu danbeysay!”
Intuusan hadalkii dhameysan, galleyrkii ayaa soo dagay oo koobki gacantiisa ka tuuray. Laakiin Boqorka intaas ayuu rabay. Intuu seefta la dhacay ayuu shimbirkii la helay isagoo agtiisa maraya. Galleyrkii maskiinka ahaa ayaa dhulka ku dhacay, isagoo dhiig baxaya oo ku dhimanaya cagaha milkiilihiisa agtooda.
“Dhibkaaga wixii kaa raacay waa kaa!” ayuu yiri Jankiis Khaan.
Laakiin markuu koobkiisi raadiyay, wuxuu arkay in uu ku dhacay meel uusan gaari karin oo laba dhagax dhexdooda ah.
“Si kastaba ha ahaatee, waa in aan ka cabbo balliga,” ayuu isku yiri.
Markaas ayuu billaabay in uu kor u fuulo dalcadda buurta si uu u gaaro meesha ay ka soo dhibcayaan biyaha. Shaqo adag ayey ahayd, kor markuu usii korana, haraadka ayaa kusii kordhaya. Ugu danbeyntii meeshi ayuu gaaray.
Dhab ahaantii, meesha waxaa ku yaalay balli biyo ka buuxaan, laakiin waa maxay waxaas balliga dhex jiifa, uguna dhowdahay weyninkiisu in uu buuxiyo balliga oo dhan? Wuxuu ahaa mas weyn oo dhintay, oo ah nooca ugu sunta xun.
Boqorki wuu istaagay. Wuxuu iloobay haraadkii ku dhaganaa, waxa uu ka fikirayo oo kaliya waa meydki shimbirki miskiinka ahaa ee jiifa dhulka, buurta agteeda.
“Galleyrka ayaa nafteyda badbaadiyey!” ayuu ku dhawaaqay, “laakiin maxaan abaal marin uga dhigay? Wuxuu ahaa saaxiibkii iigu ficnaa, waana dilay!”
Buurti ayuu ka soo dagay. Shimbirki ayuu si tartiib ah dhulka uga qaaday, kuna riday boorsadiisa ugaarsiga. Kadibna faraskiisa ayuu fuulay, una dhaqaaqay dhanka hoygiisa. Wuxuu isku yiri:
“Maanta waxaan bartay cashar murugo badan; wuxuuna yahay, inaad waxba sameyn markaad xanaaqsan tahay.”

Dhammeystir

Halkan waxaa ku dhammaaday 120kii gabay ee aan gogoldhigga ku soo xusnay iyo 16 gabay oo rag kale mariyey isla markaana gabayada Sayidka iyo Daraawiishta xiriir la leh.

Haddaba, wixii khalad ama gef ah ee buuggan ka soo baxa, ulakac ma aha, sidaa ayaana lagu soo ururiyey – iyadoo weliba raadintuna aad u daba dheerayd, wakhti badanna ay nagu qaadatay ururinta iyo qorista labadaba. Hase ahaatee, waa murti iyo taariikh Soomaaliyeed oo lama kala xigo ee sida saxa ah haddii aad hubto soo gudbi. Qof kasta oo gabay hubaal ah ka haya Diiwaankaan ama taariikhdii Daraawiisheed, iwm. Haddii ay kula tahay inaad diiwaanka wax taabbagal ah ku biirin karto, waxaannu kaa codsanaynaa inaad degdeg ula soo xiriirto qorayaasha iyo dhamaanba dadka ka shaqeeyay buuggan. Aad iyo aad baannu uga mahad celinaynaa wax kasta oo nala ku soo kordhiyo.

Waxaa jirto oo weliba hubaal ah, in gabayada Diiwaankan ku qoran ay dadka qaarkii ku adag yihiin, laakiin waxaannu idin la socodsiinaynaa in aysan shaqadii buuggu weli dhammaan. Waxaannu rajaynaynaa inaan helno dad af-Soomaaliga iyo taariikhda Soomaaliyeed aqoon dheer u leh isla markaana naga caawiya sharraxa , ujeeddada, sarbeebta iyo macnaha faahfaahsan ee gabayada.

Gabayada Diiwaankan waxaannu ku tala jirnaa inaannu kordhinno. Sidaas awgeed ciddii haysa gabay Daraawiisheed, mid ay mariyeen iyo mid loo mariyeyba, fadlan soo gudbi, waa taariikh isla markaana waa lagama maarmaan in la qoro oo la diiwaan geliyo si aanay u lumin ee ay murti dhaxalgal ah ugu noqoto jiilalka dambe.

Cali Xaaji Axmed

Gabaygan gaaban waxay ulajeeddadiisu ahayd – in loogu hal daro Darwiish la oron jirey Cali Xaaji Axmed Aaden oo ay Sayidka habrawadaag ahaayeen, Cali waxaa dhasay Balax Seed Magan, Sayidkana hooyadii waxaa la oron jiray Carro Seed Magan.

Waxaa la yiri dagaalkii Ruuga ee Koofil ayaa lagu dilay Cali Xaaji Axmed oo fardaha Daraawiisheed buu madax ka ahaa, markii dagaalka foodda la is geliyey asaan wali la isu jilib dhigin, ayaa gaalkii girligaan Daraawiishta ku afuufay. Halkaas ayuu Cali Xaaji ku yiri, “War fardaha xabbadda dib uga qabta.” Waxaa markiiba loo qaatay inuu baqay, maxaa yeelay Daraawiish waxaa caado u ahayd in haddii tacshiiraad ama laba lays dhaafsado ay cadawga jiiraan.

Hadalkii Cali Xaaji oo ahaa “Fardaha rasaasta ka qabta!” hadii Sayidka loo geeyay ayuu mariyey gabaygan oo wuxuu yiri:

Caliyow habaaskii inaad, hadaftay lay sheegye
Hadalkaagu siduu noogu yimid, waa hagoognahaye
Waa kuu hundhuraayaa siduu, hooggu kuu maraye

Hadda aynu joogniyo intii, horay ka aamiina
Abidkood dagaal ma hargadaan, haybta aan nahaye
Adigaa hinjiga noo wada ee, haaligyaan nahaye

Hulqe aabbahaa baa ahaa, hogoshki dheeraaye
Waa wuxuu Hubeyr ugu fakaday, Haarriyaan dhicine
Maxaa habarwadaaggay ka dhigay, haadka cararaaya?

Hunguri Subeer

Gabaygani wuxuu ka mid yahay gabayadii Halacdheere ku saabsanaaa, Hobyana ka billowday, loona waddamiyey bari, galbeed, koonfur iyo waqooyi, Sayidka oo la yiri wuu ka qaybqaatay wuxuu yiri:

Hunguri Subeer wuxuu ka ridi, hogobyo shaydaane
Mar haddaanu heeg dheer lahayn, ama hoggaan ceeja
Wax hubaal ah waa inuu ka iman, haradi ciideede

Waa waxaan habaaroo Ilaah, heeray boqontiiye
Hidyaa wadatay wiilkii, hadduu hilinka soo qaaday
Huwan muu u kaco kuma qaddeen, hodon qabeenkiiye

Hartidaba wax badan baa ku nool, hilib ugaareede
Koluu hiirad oo kale noqdoo, ibilka haaneedo
Bal maxaa Hobyuu u dhigay, arladu kala hoyaad roone

Hargawaaxiddii baan ku dilay, tuugga haysha lehe
Hanqarkii rasaastaa wadnuhu, la halcanaaye
Guutooyinkii loo humeey, hadafka raaceene

Hanbo kaa sugaa ama hoheey, kugu haguugaaba
Hanta nimaan lahayn looma tago, holaca jiilaale
Haaweyda aan dhacay maxaa, haatufka u geeyey?

Iyaguba halaaggaan badey, la hundhuraayaane
Daraawiish hinfirinimay wax badan, hanatay reerkiise
Waxay ka hanfariireenba waa, huubo dooro lehe

Hawiye iyo Daaroodba waa, hayb ka gooniyahe
Ma way sooryadiin helin karaan, ma hagranayaane
Miyey hadi karaayaan wax bixin, heliba maayaane!

Nin hammuunta kaa bi’inahayaa, lagu haddoomaaye
Mar hadduu hadaadumo, xarrago haybaddeed malehe
Haadaa qabiil nimaan ahayn, hibo miyuu dhiibi?

Qamaanow1 hiddada meel san baa, lagu hagaajaaye
Hadku waa hadkii idin khatalay, Haraddigeedkiiye
Hannaankiina nimankii yiqiin, weydinkii huraye

Haddaad diinta soo haybisaan, kuma hungowdeene
Haadaan waiaa idinku guray, habaski gaabnaaye
Hadalka Keenadiid buu maqlay, hayaad kale mooge

Haddeer iyo haddeer goor qallaa, halaba keenaaba
Haamaan idiin shubi lahaa, halab karuurkeede
Haleelooyinkaa idinku filan, hootanuugta ahe

Hareerihiinna waa dhigi, waxaad ku himbilyootaane
Intaad higis dhan soo qaadataan, halacna too raacsha!

Waxaan ka qoray Xuseen Aabi Cilmi Xaasey l965kii.
1. Qamaan: Qamaan Bulxan Yuusuf oo ahaa gabayaa caan ah.

Xuseenow Ninkii Hagar Yaqaan

Waxaan horay usoo sheegnay in ammaan iyo aflagaaddo mid kasta ha noqotee Daraawiish gabayo badan loo mariyey. Cali Jaamac Haabiil ayaa Daraawiish gabay usoo mariyey, gabayga halkudheggiisuna wuxuu ahaa:

“Dameerkaa hariiryaha leh iyo, heer Dhulbahantaa leh”

Sayid Maxamed alabkiisa ahaa, haddii gabay loo mariyo, asuu doono inuu hadal ka celiyo, inuuba baro dheereeyo, gabaygana wuxuu ka tix raacay kii Cali Jaamac, wuxuuna yiri:

Xuseenow ninkii hagar yaqaan waa, habaar qabe e
Ninna hagagi mayo run baan, heeg u marayaaye
Haddii aan hammiyey aakhiraan, laga habaabeyne

Harti nimaan aqoon baa yiraah, hadalka qaarkiise
Waa niman hurmuud wada ah iyo, hanadyo waaweyne
Waa nimanka haybtoodu tahay, Haashinkaas kore e

Waa nimanka deeqi hanbaday, hibo Ilaaheeye
Waa niman intay hodon yihiin, hoog ku sii daraye
Waa niman gob baa lagu hirtaa, lagu hagaagaaye

Waa nimanka daaraha hurdiyo, harac dallaal weyne
Waa niman xariira huwanoo, huga ku laafyoone
Waa niman hashaarka gole, marada haafeyne

Waa nimanka doonyuhu Hindiya, uga himbaartaane
Waa niman haruur iyo bariis, hoyga loo dhigaye
Waa nimanka baanfuuqayee, timirtu hoos u taal

Waa niman aleeliyo horweyn, heel ka buuxsadaye
Waa niman adduun lagu huroo, maal hareerimine
Waa niman intay wada habceen, heesiguun dhiciye

Waa niman hingaar lama watee, haybad guursada e
Waa niman hablaha ay qabaan, halalac leeyaane
Sida heegadoo curatay bay, shuqul billaacaane

Waa niman hub iyo dowladnimo, haytsa weligoode
Waa niman u heensayn fardaha, halabsigoodiiye
Waa niman halqooqaha rogaal, heegma weligoode

Waa niman hadday rag is hayaan, huriya baaruude
Waa niman madaafiic higliyo, haaliggii ridiye
Waa niman hanaanaca kufriga, hoor kasoo qubaye

Daaroodku waa wada halyey, kalase hayb roone
Dalka kalena waxaa wada hulqiyo, huubo doora lehe
Waxse heer leh haad fereenji, iyo harabka Iiddore

Kuwa fuudka heeminahayoo, himishku duulaayo
Aan tan iyo Haabiil dheeryaha, lagula hawshoonnin
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Hiliblaha dukaaminahayoo, horary ceeriinka
Oo dhiigga soo hililiqlayn, haysha ka caseeyey
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Nimanka hablaha soorta guri, ku hargawaaxaayey
Ee tii wax hoomay tiara, kula haliilaayey
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Nimanka hawaaree sidii, habas u kowdiiyey
Oo aan futada haawineyn, hogobka aad mooddo
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Nimankii sidii awr hayina, hilayga qaadaayey
Hinjiga iyo culayskii, kuwuu hoolay dhabarkooda
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Raggii hiirta waaberi, dillaal hadalladuu roori
Oo aan hunguriga maalimeed, soo hargalahaynin
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Nimankii habeedlay ummula, huga u mayraaryey
Nimankii habeen iyo dharaar, hiribka qooshaayey
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Ragga idaha horsanahayoo, saxaraduu heegan
Iyo nimanka hooyadood ku oran, habartu waa dhuustay
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Axmed Nuuxa nirig haaruf badan, kabar u heereeyey
Ee hillinka meeshiyo, Hiraab habaqluhuu qaaday
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Muusecarraha haragga iyo, hoorka xiranaaya
Oo qurunka ay huursadeen, lagu hunqaacayo
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Ciisaha bakhtiga hiigayoo, haadka qalanaaya
Oo calaha habuurka badan, hagida meegaaya
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Habar Yoonis iyo reer Jugliyo, Habar Magaadloo dhan
Iyo Caliga1 hoosada Berbera, huluqa jiida
Iyana heer inay leeyihiin, hubantiday weeye

Intii heer lahayd ma aan dhammayn, hebelladoodiiye
Hayska hoobbiyeen nimanka aan, heray boqontiiye
Inta aan hunduudaa ka badan, hiisha geedaha e

Niman baan hullaabee, ma oron hiijo iyo ceebe
Waxsaan hubinayaa waa inay, hadiyad keenaane
Hayeeshee intaasaan hojee, hor Allahay geystay!

Waxaan ka qoray Cabdi Cali Guuleed sanadkii 1957kii.
1.Cali Jaamac: Cali Jaamac Haabiil, wuxuu ahaa gabayaa caan ah, wuxuuna ka mid ahaa raggii ay Sayid Maxamed isu gabyeen.

Hawiye

Gabaygan hoos ku qoran qof war buuxa naga siiya ama dhammaystira lama helin, wuxuu u eg yahay inuu Sayid Maxamed diray nin Darwiish ah oo la oron jiray Cigayoon, si uu uga war keena gaalo iyo waxay maaggan tahay.
Gabaygan oo guubaabo. Dhiirragelin, iyo tilmaanba ah ayuu Sayidku mariyay, Darwiishkuna markuu soo noqday gabay buu ku warramay. Waxaa ayaandarro noqotay in labada gabayba aan la helin wax inta qoran dhaafiya, wuxuuna Sayidku yiri:

Maandhow Hawiye ma aanan diran, maanta ka horoowe
Bal inaad halyey leedihiin, la hubsan dooneeye
Heelkaa horeetana Ilaah, hogol ha ka siiyo

Geelkii Hargeysaad baruur, ka hirqan doontaaye
Iiddoor hanfade weeyaane, oo kuma hadaayaane
Hannaad baa Ilaahay ka dhigay, hoos u farara e
Meeshay ku haasaawayeen, horay u sii joogso
Haylihii xumaa iyo, bustihii habacsanaa qaado
Hana hagoogan waa tuhun, dharkaad hab isku siisaaye

Darwiishkuna markuu soo noqday isagoo Sayidka u warramaaya wuxuu yiri:

(N)
Sayidii geddoodii la baray gaala qurunleeye
Soo guure oo waxay degeen Dabagallooleeye1
Wuxuu gaashka dhow damacsanaa Gobolkii2 dheeraaye
Waagoo guduutay alaab gibila qaataan e
Gubniyuu u kala joojiyaa gegi habaas weyne
“Goo” iyo wuxuu “Raydh” lahaa waanan garaneyne
Gudub bay u fuulaan fardaha gaban sidiisiiye
Sayiddii darmaan gaaxsanaa gaari mahayaane.

1.Dabagallooleeye: Tuulo u dhexaysa Burco iyo Shiikh
2.Gobobkii: Gobab Burco ku yaal oo hadda loo yaqaan, Gobabkii Ina-Igarre.

Xirsiyow Hagaagtay

Cabdullaahi Aaden Kiye oo reer Cali ahaa ayaa reer Haaruun nin ka dilay. Dabadeed Sayidku – si uu reer usoo jiito, wuxuu damcay inuu laba reer fidno, dagaal, iyo guubaabo ka dhex abuuro si aanay gaashaanbuur u noqon oo Daraawiish uga soo horjeesan.ee ay Daraawiish ugu soo biiraan. Gabaygan soo socda ujeeddadiisu waxay la socotaa gabaygii ahaa:
“Cabdullaahi waxaa loo qurajaray, waa qabiil li’iye”
Ninkuu Sayidku ku halqabsaday, gabayganna usii dhiibay Daraawiishi war fiican kama bixin, wuxuuna Sayidku yiri:

Xirsiyow hagaagtaye haddaad, hillinka qaadeyso
Dhexdu waa habheeboo, naftaad u hawalaysaaye
Harraad kama baqaan niman hadday, heli karaayaane

Horweynkiyo haleellada nirgaa, loo hintiqinaayo
Hammuunta iyo gaajada ninkaan, haysan baa qaba e
Haan iyo sibraar baad ku shuban, halab haruurkeede

Hayin baad ku raran qaalin waa, hilay la buubkiiye
Hawdkaad maraysiyo cidladu, way nala heshiise
Halaq iyo libaax horara iyo, haayir iyo tuugga

Astaadkaa ku heli oo Rabbuu, kaala hoos geliye
Habeenkaad Ogaadeen tagtoo, reer Isaaq hoyato
Hawraartaan kun faro iiga gee, hagari nwaa ceebe

Ha’dana yey ka dhicin xarafta, waa lagu hagaajaaye
Hadle1 iyo Umaad2 iyo Yuusuf Qaraf3, hadalku waa qaan dheh
Jiciirkii4 hormuudka u ahaa, hoos ahaan ugu dheh
Waxaad haybta reer Cali ku tari, helay warkiinnii ku dheh

Nimankii huwan ahaa dadkaan, ugu han weynaa dheh
Hiimadaan idiin sidaynay, iyo hadal naloo keenay
Waa laba hiyoo kala fogaan, haab isu lahayn dheh

Haaruun inuu dilay la maqal, horiyihiinnii dheh
Waxaa Haradigeed5 nooga timi, dhimay halyeygii dheh
Mase taladu waa hudur warkay, nagu hasaayeen dheh

Cabdullaahi6 haad inuu cunaan, hanadyo loo laynin
Ay nolol haweystaan kuwii, haniyihii gooyey
Ay heli karaan saas guntii, haarufta lahayde

Hurrihii7 xunka ahaa inuu, waran ku haylhaylo
Oo halawda jaray geesigii, lagu hagaagaayey
Oo midab haldhoolow tukaha, siiyey hilibkiisii

Waa haramcad aargoonle cunay, hadalka qaarkiise
Bah-Dhulbahante hoog kama maqnoo, heeran boqontiiye
Waa hadaadun reer Maxamedkay, hibadu saarrayde

Alleyle halkaa uma ilayn, horinta Guuleede
Nimankaan hubkoodiyo ogaa, halalacayntoodii
Aan qolo ku haystaa dhaqnayn, haybad iyo xoolo

Nimankii hubka caddaa midgaan, hoorle laga yeelye
Aan hubsado halkay fali kuwaa, lagu hariiryeeyey!

Waxaan ka qoray Xaaji Aaden Xuseen sanadkii 1955kii.
1.Hudle: Hudle (Boojaali) Yuusuf Maxamed
2.Ina ayihiisii la garan waa.
3.Yuusuf Qaraf: Yuusuf Iimaan Cumar.
4.Jiciir:Jiciir Maxamed Liibaan Jiisoow.
5.Haradigeed: Waa 28 balli oo u dhexeeya Harafaafan-yar iyo Harahabaskuul.
6.Cabbaas: Aw Cabbaas Xuseen Muuse, waxaa lagu dilay shirqoolkii Gurdami.
7.Hurre: Ibraahim-Bayr Xasan Odowaa.

Hashaan Heensuhu Siday

Boqol nin oo Daraawiish ahaa oo ceelka Afyaraaddo lagu dilay, horena aannu ugu soo sheegnay taariikhdooda hordhigga gabaygii ahaa:

Daraawiishta Saalixiya eey dood aan ku iraahdo.

Duullaankii u baxay ayaa geel farabadan soo dhacay. Geelaa oo Xalliye la baxay waxaa la gabagaba dhigay balliga Caadood, waxaa la yiri geela sannad baa halkaa lagu hayey oo raacdo lagu sugayey, jiiftadan hoose ayaa geelaas loo mariyey, wuxuuna Sayidku yiri:

Hashaan heensuhuu siday, himmaaddeeda duullaan
Hashaan hilayga ugu raray, hayinka iyo awrkii
Hashaan hiirta waaberi, himhimowga ugu kacay
Hashaan hillinka Doollood1, habaqle ugu jiilaa
Hashaan dhowr habeen iyo, maalmo badan u hawlgalay
Hashaa aan hagoogtiyo, hullaabtii isaga rogay
Hashaan Habarsaciid iyo, humbannadii u weeraray
Hashaan ku himbilyoodee, ku hanqaaray dunida
Hashay hebelladeedii, dhirta ay huluusheen
Hashii hoorrigeygiyo, hinfirkayga lagu nacay
Hashaan kii horjoogsaday, huluq siiyey warankii
Hashaan beel bannaan tubay, hundihii Warfaa2 dhaqay
Hashey gaalka Herer jiraa, qaylageyska u hudeen
Hashaan hara ku oodee, ninna uusan igu holin
Hashii heegadii roob, higilkeeda loo filay
Hormo looma jiidee, hashaan heeg isaga waday
Hashaan lagu hanqaarmeyn, habarwacadka ololkii
Hashaan haaliguu riday, hanqar iyo madaafiic
Hashaan huuraweynow, Subeyr Maxamed ka hantiyey
Hashaan haaruf dhogorrow, haaruun u quursaday
Hashaan Dalal harkoo galay, hargawaaxa kaga diray
Hashaan hoorinta Raabbi3 leh, heeraaga ka asladay
Hashii hanaddadeedi, ku hamsiyey waraabuhu
Hashaan haatuf uga diray, Iljeexii4 hagaysnaa
Hashuu ka hanfariiree, hubin waayey jeerkii
Hashuu ka himbiriirsaday, Hiiradkii5 qurmoonaa
Hashuu hawdka jaree, haaruhu ku gaareen
Hashaannu haayaddeed gelin, hooyhooy markaan niri
Hashuu huray dharaartii. fulihii hingaarraa
Hashuu hoogayey yiri, hohey! maxaa inoo dhaqay
Hashuu iiga haajiray, Gurraasihii6 habka xumaa
Hashaannu horarin dirirteed. harabkii afka caddaa
Hashaanan haybta reer Magan. waxba aanu ku hamkayn
Hashaan sumadda hororka ah, halka luqunta kaga dhigay
Hashaan baarqab heeg dheer, haysimada ugu daray
Hashaan soo hintiqiyoo, hadba hogob ku soo furay
Hashaan kaga hareerraa. haaweyda caydhaa
Walle maanta kii hola, huga dhiigga kaga qubay!

Waxaan ka qoray Cali Cabdi Guuleed sannadkii 1967kii.
1.Arag gabayga 26aad.
2.Warfaa Xirsi Khalaf.
3.Raabbi Guuleed Xirsi.
4.Iljeex: Xuseen Yuusuf Xirsi, wuxuu ka mid ahaa raggii abaabulay shirqoolkii Gurdumi.
5.Hiirad Nuur.
6.Gurraase Xaaji Cali, wuxuu isna ka mid ahaa raggii abaabulay shirqoolkii Gurdumi.

Xuseenow Ninkii Xididkiis Hagraday

Nin magaciisa la oron jiray Cabdalla Cawl Maxamuud oo degmada Laasqoray u dhashay ayaa xarunta beryihii ay Daraawiishi calan-walleynaysay. Ninkaasi wuxuu Sayidka weydiistay in la siiyo Faaduma-qarad Shiikh Cabdulle oo Sayidka la dhalatay.
Dabadeed waa laga yeelay, usna wuxuu balanqaaday inuu xoolo badan keeno mood iyo noolba, gaar ahaan hub lagu dagaal galo. Taas Sayidka aad buu ugu riyaaqay. Cabdalla waa tagay si uu ugu soo tabaabusheysto guurkiisa iyo min-dhismadiisa, hase ahaatee soo noqodkiisii wixii lagu filayay ma keenin, weliba si qaab daran buu xarunta ku yimid, taasoo ahayd, isagoo niman carab ah oo gedisley ah garwade u soo noqday si uu xoolahooda ugu meel maro. Dabadeed Sayidku kolkuu ogaaday inuusan Cabdalla ee uu hadal badan iyo afmacaani wax ku doonaayo, uma xil qarine, safarradii oo meel lagu furay ayuu wuxuu ku yiri, xoolihiinna daartaas u daadguraysta, Cabdalla wixiisina meesha uga taga. Dabadeed joonyad xoogaa dhar ihi ku jiro ayaa meeshii looga tegey, ka dib Sayidku gabay ayuu Cabdalla u mariyey, gabaygana waxaa loo bixiyey Hadaafaa:

Xuseenow ninkii xididkiis hagraday, waa habaar qabe e
Hannaan iyo wanaag badan haddii, heedhe laga waayo
Isna waa hubaa inaan aroos, loo hadooduline

Hindisuhuba mar buu kaa ridaa, hogobyo sheydaane
Mar uun baa daruur hababac tiri, lagu hungoobaaye
Eebbow habheeb lama maree, hirifsanaa meeshu

Afartaas sidii heega roob, haw ma kaga siiyey
Hawraarta gabay lama ba’shee, hilin ma qaadsiiyey
Hadal kalena waa inanta iyo, halaan ka faalleeyay

Hiirka laaca weyn baa nafluhu, haabo leeyahaye
Ninkii waliba hawada Faadumuu1, haanka ku hayaaye
Hoomaalka Qarad baa dadkuba, u hanganayaaye

Hanaddada Majeerteen yaa, laga hor joogaay
Hindiya iyo waxaa looga yimid, hara Ogaadeene
Ha yeeshee Hartigu inuu lug go’i, hadiba maayaane

Intii hooyadeed laga baxshaa, lagu haweysiine
Ninka soo hadaafee yidhi, ilaxidh ii hoosa
Lama hubee inuu maro ku heli, hawl yaraa gabadhu

Daraawiishta heelkaa degtay, habar wadaagaane
Nin waliba hor weyn buu ka filan, barac la mooddiiye
Haadaa qabiil nimaan ahayn, hadalka muu daayo

Nimaan yarad haruur lagu masliyo, hibo ka keeneynin
Muu hoogye meelaha ka dayo, harag miduu siisto
Haween kalese ma waayine, maxaa hawdka soo mariyey!

Waxaan ka qoray dhowr nin oo Daraawiish ahaa oo ay ka mid ahaayeen, Cali Cabdi Guuleed iyo Xaaji Cabdiraxmaan Sayid Maxamad sannadkii 1958kii.
1.Faadumo: Faadumo-qarad Sayid Maxamcd oo gabdhaha ilmo Sayid u weynayd.