maktabadda | Af-Soomaaliga

Kusoo dhawoow Maktabadda Af-Soomaaliga. Waxaad halakan ka heli kartaa buugaag, qoraallo, iyo qormooyin ku qoran af-Soomaaliga. Fadlan la soco boggaan si aad u heshid sheekooyin, taariikh iyo aqoon guud oo ku saabsan ganacsiga, diinta, caafimaadka iyo wixi la mid ah…


Qur’aanka Kariimka iyo Tarjamada Macnihiisa ee Afka Soomaaliga – Maxamuud Maxamed Cabdi
Afartanka Xadiis – Imaam an-Nawawi
Siduu U Tukan Jiray Nabiga ﷺ – Maxamed Naasirud-Diin al-Albaani
Qeexid Kooban oo Ku Saabsan Islaamka
Masaa’ilul Jaahiliya – Sh. Muxammad bin Cabdulwahaab
Sheekooyinkii Ugu Wanaagsanaa – Cabdirisaaq Maxamed Cilmi “ina Warfaa”
Sifeynta Islaamka – Sh. Maxamed Naasirud-Diin al-Albaani
Ictiqaadka Muslimiinta – Sh. Muxammad as-Saalix al-Cutheymiin
Xayaabo-Tirka Tawxiidka – Sh. Muxammad bin Saalax al-Tamiimi
Duruus Muhiim u ah Umadda oo Dhan – Sh. Cabdulcaziiz bin CabduLlaah bin Baaz
In Kabadan 1000 Sunno – Sh. Khaalid Al-Xuseynaan
Muxammad bin Cabdiwahaab: Halgankiisii iyo Raadkii uu Reebay – Muxamad Cusmaan Aadam
Saddexda Asal iyo Daliilahooda – Sh. Muxammad bin Cabdulwahaab
Waxyaalo Ilaahay Xarrimay Dadkuna Fududeysteen – Sh. Muxammad al-Munajjid
Tufmada Sharciga ah – Maxamuud Axmad Naasir
Taariikhda Khulafada – Muxammed Daahir Cabdi
Taariikh Nololeedka Culumada – Cabdirisaaq Maxamed Cilmi “ina Warfaa”
Qaamuus Carabi-Soomaali oo Kooban – Cabdirisaaq Maxamed Cilmi “ina Warfaa”
Soonka, Taraawiixda iyo Sakada – Cabdulcasiis Xasan Yacquub
Sifada Salaadda Nabiga  – Cabdulcasiis Xasan Yacquub
Barbaarinta Ubadka – Maxamuud Axmad Naasir
Fataawaha Dumarka – Sh. Cabdulqaadir Maxamuud Cismaan
Sidee Baan Unooleyn Karnaa Sunnada Ictikaafka? – Daar al-Wadan
Barbaarinta San iyo Rabaynta Suubban ee Ubadka – Cabdifataax Cawed Cali


Waa Maxay Falentayn? – Maxammed A. Cabdi
Kombyuutarka: Horudhac – Machadka Dahabi
Af-Soomaaliga Dugsiyada Sare – Fasalka 3aad – Manhajka Waxbarashada Soomaalilaan
Raaxada Guurka – Sabriye Macallin Muuse
Hoggaamiye Isbeddel Horseeda – Saciid Cali Shire
Aasaaska Aqoonta Caafimaadka – Dktr. Yuusuf Xirsi Axmed, Yuusuf Sh. Cali Samantar
Hab-Qoraalka Sheekada Gaaban – Cabdiraxmaan Cumar Warsame “Feegaar”
Af-Soomaaliga iyo Warfaafinta Maanta – Axmed Faarax Cali “Idaajaa”


Diiwaanka Maansooyinkii Abshir Bacadle – Maxamed Xuseen Macallin
Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan – Aw-Jaamac Cumar Ciise
Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan – Aw-Jaamac Cumar Ciise
Masoo Gaadhay Gaal iyo Wadaad Gaadh Uwada Taagan? – Abuu Ibraahiim
Taariikhda Soomaaliyeed iyo Tartanka Qabiilka – Cabdisalaam Sheekh Xasan
Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya – Cabdi-Shakuur Mire Aadam “Cobol”
Gobolka Gedo iyo Ururka Al-Itixaad Al-Islaami – Axmed Faarax Cali “Idaajaa”

Fanka Maamulka – Cabdiraxmaan Xuseen Samatar


Maana-Faay – Maxamed Daahir Afrax
Bisaddii Bubaysta
 – G. A. Henti
Dhibbanaha Aan Dhalan – Faarax Maxamed Jaamac “Cawl”
Halgankii Yoonis Maskiin – Keen Shuulan
Marin Habawsheyaal – Warbaahinta Dawan iyo Aamin


Sheeko Aniga Iga Oohisay – Aadam Cabdi “Abuu Zuhri”
Looma Dhamma – Cabdullaahi Janno
Ismaan Lahayn! – Ibraahin Xaaji Cabdi Tallaabo
Laheystayaal – Cabdullaahi Janno
Hadimo Jacayl – Mukhtaar Cabdi Sheekh “Bulshaawi”
Coley – Burhaan Cali
Qays iyo Leyla – Axmed M. Muuse
Libaaxii Indhaha Guduudnaa – Aamina Shirdoon
Keebaa Xariifsan, Laxda ama Libaaxa? – Sabriin Xasan
Boqorkii Lahaa Dhagaha Dameerka – Ismaaciil Daahir
Boqorka iyo Galleyrkiisa – Jeems Bidaarguul
Ceelka – Sabriin Xasan


Adeegyada Shabakadda Caalamiga
Tixraaca Fudud ee Muslimka – Shirkadda Daliilka Cusub
Qaamuus.net – Qaamuuska Af Soomaaliga ee Bugliyeeli iyo Mansuur oo la barmajeeyay. Eray eray u baar.
WordPress – Barnaamij lagu maamusho bogagga shabakadda caalamiga.
Wikipedia – Diiwaan lagu ururshay macluumaad iyo aqoon guud.
wikiHow – Urur hagayaal laga barto sida wax walba loo sameeyo.

94 thoughts on “maktabadda | Af-Soomaaliga

  1. Raganimo iyo dadnimo ayaan u qiray dadkii hawshaan isu xilqaamay. Ilaahay ha barakeeyo oo ha nuursho oo ayaga iyo dadkoodaba ha dhowro.
    Anigu waxaan jeclahay in si sharaf leh loo sharfo dadka wanaagga u taagan oo bulshada waxtarka u ah. Bal fiirsha nin ayaa wakhti iyo dadaal ku baxshay sidii uu noogu sahli lahaa inaan si fudud u helno suugaantii Sayidkeenii ahaa halyeeygeenii. Maasha Allaah, guulaysta ayaan idin leeyahay waxaadna tihiin Darwiishyada casriga oo nool.

    1. Adaa mudan, walaal.
      Akhristayaashana Alle haka abaal mariyo sida ay uga faa’ideysanayaan Mashruucan.

  2. Maanta ayaan arkay bartan intarnet, oo aan filaayo inaad waxyaabo badan oo aad u qiima badan ku soo ban dhigteen. Garabkiina.

  3. Run ahaanti waxa aan halkan ka faa’iday wax yar ma ahan.
    Dadki Maktabaddan Wax ku Qora iyo cidda Isku xilqaantayba wax aan Ugu Abaal Gudo Ma Garan Karo.
    Waxaan Allaah Idiin Ka Baryayaa In Ajarkeeda Allah Idiin Waafajiyo.

  4. Waxyaalahaan ku hamiyi jiray markaan nigu arkay dhiiru galin baa niga helay, idinkoo kala ku dayasho mudano Soomaalida hadda.

  5. Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta arko oo ka faa’iideysto aqoonta dhex ceegaagta diiwaan dhigaalkan, waan u mahadnaqaya ciddii soo abaabushay hawshan qiimaha badan ee ku dayashada mudan.

    1. Bogaadin iyo baashiraad ayay mudan tahay cid kasta oo qayb ka qaadatay, in bartan lagu soo gudbiyo qoraalo aqoon korodhsi iyo kaabid u ah bulshada Soomaaliyeed, waxaan kumanaan jeer u mahad celinayaa muwaadinka jecel dadkiisa iyo dalkiisa ee bartan ku qoray qoraalkan uu ka faa’iday qof kasta oo faa’ido doon ahi.

  6. walaal aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay Ilaahay khayr ha ku siiyo wax badan ayaad noo faa’idaysay anaguna dadka kale ayan u sii faa’idayn inta iyo in ka badanba waa sugaynaa walaal aad baad u mahadsan tahay walaal jasaakallaahu khayr.

  7. Maa shaa Allaah waad mahadsan tihiin waana filaaya in buugaag kale oo la tarjumay inaad ku soo dari doontaan, sida Cat of Bubaista oo kale.

  8. Hawl togan oo baaxaddeed leh ayaad soo kordhiseen ama ku biiriseen guud ahaan caalamka wax akhriSoomaaliga. Intii aan dhex mushaaxayey waxaan ka dhex helay sheekooyin iyo qormooyin kale oo waxtar weyn leh.
    Hambalyo iyo bogaadin baan idin leeyahay qolada maamulka. Halkaana hawsha ka sii wada.
    Mahadsanidiin

  9. Faa’iidadaan ka helay mid aan soo koobi karo ma aha. Waxay noqotay maktabad aan mar walba dhex fadhiyo. Waxaan ku bogaadinayaa walaalaha noo diyaariyay maktabaddaan. Alle ha idinka abaal mariyo hawshaan aad sida wayn iskugu xilqaanteen.

  10. Asalaamu calaykum. Waa dad ku dayasho mudan. Runti wax badanaa laga faaidaystay. Ilaah ha idinka abaal mariyo dhammaan.

  11. Asalaamu caleykum. Aad iyo aad baad u mahadsan tihiin ciddii hawshaan qabatay. Waxaan idin ka codsan lahaa walaallayaal kitaabbadaan ayaga oo PDF ah lingaxooda ma ila wadaagi kartaan? Tusaale, waxaan u baahan ahay “Maanafaay” oo PDF ah. Mahad badan.

  12. Maktabadan waa ifiye oo goob walbo aad joogto ayaad booqan kartaa. Waan ku farxay markii aan booqday. Yaan laga caajisin!

  13. Asalaam caleykum, asxaabta qiimaha iyo qaayaha leh, aad ayaan idiin salaamayaa.
    Aan ku bilaabo hadalkeyga dhaliin aan idin jeedinaayo oo ah in aad howshaan aadka u wanaagsan aad lasoo daahdeen oo ay eheed in aan afkeenna hooyo wax ku aqrinno anaga oo ka heleena gurigeena dhexdiisa.
    Raadraaca webkiinna cid iima sheegin laakiin waxaan kusoo helay baadi goob dheer oo aan u galay sheekada aadka u qiimaha badan ee Maana-Faay.
    Walaahi ma garanaayo qaab aan idin kugu mahad celiyo waayo waxyaabaha aan websaytkaan ka faa’iday keliya inaan idin mahad celsho iguma filno.
    Mahadsanidiin.

    1. Ka faa’ideysiga bogga ayaa mahad ku filan. Gacmo furan kusoo dhawoow baan ku leennahay.

  14. Faafinta bogga sidi loo baahnaa maynu isku taxallujin, waynu ku dadaali, hadduu Alle idmo.

  15. Maasha Allaah. Runtii waa wax lagu farxo.
    Aad baad u mahadsantihiin.

  16. Wallaahi aad baan ugu farxay… Dadaalkiina Allaah idinka abaalmariyo, waxaan rabi lahaa buugaagta af Soomaaliga ayagoo PDF ah hadaad noosoo dhigi kartaan…
    Mahadsanidiin

    1. Kusoo dhawoow Maktabadda, Ditoore. Adaa mudan.
      Inaynu haatan soo gelinno buugaagta oo dukumenti ah waxaa inoo diidaya tifaftirka joogtada ah ee buugaagta ku socda. Naga raalli noqo, laakiin waqtiga habboon baynu soo gelin dhammaantood.

  17. Codsi yar ayaan qabaa in aan helo cinwaanka mas’uulka boggan si aan ula xidhiidho. Mahadsanid.

  18. Hadaad soo gasho diirad.com waxa lagaaga baahan yahay inaad ku tashato in lacag lagaa qaadi.

  19. Asc wll maktabadda waxaan idin waydiinayaa masii faafin karaa sheekooyinka iyo qoraaladda anoo ilaalinta xuquuqda maktabadda?

  20. Waa horumar soo gaadhay wakhtigiisii ee halkaa halaga sii wado, waa maktabad la jaanqaadday maktabadaha caalamka ee halkaa kasii haya.
    Mahadsanidiin walaalayaal.

  21. runtii waa maktabad loo baahnaa kaalin mug lehna ka qaadan karta xoojinta iyo noolaynta af-soomaaliga.
    waxaan jeclaan lahaa in lagu soo kordhiyo sheekooyinka kale ee uu qoray Xasan Aw Daahir Qaalib.

    1. Waa horumar ay dhalinta iyo bulshadu ku diiirsatay, akhriska waa horseedka badelidda afkaarta qofka kuna raadyeesha asaarta iyo mabaadi’da uu xambaarsan yahay. Mahasanidiin.

  22. Asc sheikh waxad ishegta khulcada dalqadmiya hadii uu yidhaa wanku furay mar hadaad iga samaxday dalqadii? Suaasha 2aad……gabadh la furay hadii loo sheegin furniinkaas qaabke rajactu loo dhahayaa? Alle haka abaalmariyo sheikh

  23. Ilaahay ha ka abaal mariyo bahda Maktabadda.com dadaalka, waqtiga iyo juhdiga ay galiyeen in ay soo ururiyaan qoraalo kala duwan, afkaaro, arimo diin iyo waliba sheekooyin ay adag tahay sida qof ku helo saacadaha kooban ee hadda uu ku akhrisan karo. Waxa aan ka rajaynayaa akhristayaasha aan kamid ka ahay in ay sii gaarsiiyaan dadka iyaga ku xiran ee aan heli karin xogahan kala duwan iyaga oo aan ilaawin xuquuqda iyo xigashada xaqa ah ee qoraal walba leeyahay.

  24. saaxibyaal waa mahadsantihiin rabina ha idinka abaal mariyo hawsha aad qabateen waxaana idinka codsan lahaa inaad inoo soo dhigtaan buugaagtii uu qoray cabdulqaadir oromo iyo suugaantii abwaan hadraawi.
    MAHADSANİDİİN

  25. Ascm Bahda “Maktabadda.com”
    Waxaan Aad ugu Faraxsanahay in Aan ku Soo Biiro Goob Cilmi.
    Waxaan Jeclahay in Aan idin Weydiiyo Sidaad iiga Caawin Laheeydeen Helitaanka Buugga “DHIBBANAHA AAN DHALAN” Qeybtiisa Labaad Mahadsanidin.

  26. Maasha Allaah waa wax lagu farxo runtii sida aad isku xilqaanteen waadna ku mahadsantihiin mana naqaano abaalkiina wax aan niigu gudno qayr Alle ha idiin siiyo

  27. allaha idin barakeeyo
    jannatul firdows allaha deegaankiina ka dhigo

  28. Salaamun Calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhuu.

    Ikhwaanii Allaha idin barakeeyo aduun iyo aakhiraba, waxaad samayseen dadaal dheeraad ah, waxaad soo’uruuriseen qormooyin waxtar uleh ummadda Soomaaliyeed.

    Waxaad kahadasheen ama isukeenteen maqaalo kahadlaya aduun iyo aakhiraba, magaranayo meelsaldhiggiinu yahay waxaan jeclaan lahaa in aan si kafoolkafool ah aan idiin lakulmo.

    Taas-hadiilawaayo waxaan hawada idiinsoomarinayaa dhiiri galin kusaabsan camalka aad haysaan inuu yahay midwanaagsan oo andacaya adinka iyo khayrkiinba hadaad kafogaataan waxyaabaha camalka buriya sida:riyaaga ama istustus waxay Soomaalidu utaqaan.

    Khayr baan idiin rajaynayaa.

  29. Maasha Allaah, waa guul u hoyatay ummadda Soomaliyeed wax aqriska saaxiibka la’ah, guul iyo dadnimo weeye dadkii howshaan billaabay, halkaa kasii hayya.

  30. Maashaa Allaah, waa boos aad iyo aad muhiim u ah oo Soomaali weyn tabaysay. waxaynu ku siganay inay jiilkeena qarniga 22aad luuqad la’aan ku dhacaan ama la xabashiyeeyo. nin walba oo Soomaliyeed ama Islaam ahna Ilaahay wuxuu geliyay haybad hadii uu fahmo uu umada qaybtiisa ugu filnaado, anna kolay waxaan dareensanahay inay qayb aynaan kuba fikirin ay noqotay mawhibadayda iyadoo ay wakhti badan iga qaadatay barashada mawhibadaydu markaan dadkii iigu dhawaa la wadaagay arinkana waxa igaga yimi waxanan filayn, sababtoo ah wakhtigan is baranayay ayaa dheera waxaanan go’aansaday inanan saaxiib iyo bulsho iyo wax kastoo muquuninaya hadafkayga aan ka dheeraaday, sidaa awgeed ayay dheheen waar kii yaraaye barisamaadkii kululaaday ma wuxuu la shir yimi waxaan leeyahay dabeecadihii lagu sheegay hogaamiyaha Islaamka? ayadoo shimbiro waaqlayntoodi aan ka dhigtay halka aan ka shidaal qaato iskana indhotiray niyad jabka halbeegna aan ka dhigtay nebigeena Muxamed ibnu Cabdillahi (NNKH) in lagu imtixaamay kuwii ugu dhawa, sidaynu ognahayna wuxuu Xabiibku yagleelay dawlad aan weli aduunka xadaaradeeda loogu arag awoodaasina uu umadiisa dhaxal uga tagay dhaxalkaa oo ahaa hadyadii Eebe (SW) inoogusoo dhiibay Xabiibka halka aynu maanta intaynu kitaabkii haybadaa Rabbi ku dhameeyay xaga dambe marinay aynu si dadban u qaadanay waxyaabo makhluuq Alle Weyne caasiyay ay inoosoo maleegeen inoona soo dhex mareen nasiib daro kuwii umaddu aqoonyahankooda qiimaha badan ka aaminsanayd intaa uma dhaafayo.
    Waxan idin ka codsanayaa inaydun iigusoo ducaysaan hamigayga hadii anan ku caasinayn barbaariyaha kownka aynasan banaanayn cid Alle caasiday in la adeeco halka ay waajib tahay ka Alle ka cabsaday aakhiradana hadaf ka dhigtay adeecidiisu.
    Inshaa Allaah guul guul umaynan dhalan dhib daciifnimo aduunyo jacayl xaasidnimo cibaado yaraan degdeg seef la bood iyo ka muuqashada meelaha khalkhalka umadaha laga abuuro oo uu garan karo qof kasta oo xiisaynaya soo noqoshada awoodi Islaamka iyo deganaashihii aduunka.

  31. Waxaan aad uga helay Qormadan Barbaarinta Carruurta dhab ahaantii waa mowduuc u baahan in ay waalidiinta Soomaaliyeed bartaan, waliba ay wanaagsanaan lahayd in qoys walba hal buug oo barbaarinta ku saabsan gurigiisa la geeyo.

    Eebbe ha idinka ajar siiyo shaqada aad qabateen.

  32. Illaahay sida ugu wanaagsan ha u sharfo dhalinyaradii maktabaddaan ku fikiray ee fuliyay

  33. Mahad weyn ayaan idiinkaga soo jeedinayaa howsha aad geliseen boggaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *