All posts by mktbd

Afartanka Xadiis

Waxaa Qoray: Imaam An-Nawawi
Waxaa Tarjumay: Cabdur-Raxmaan Xuseen Samatar
Waxaa hordhaca leh, naqtiimayna Cabdul-Casiis Xasan Yacquub

Daar Al-Khayr
Jidda, Sucuudiga
6870679

KU BILAABID MAGACA ALLE EE NAXARIISTA GUUD IYO MIDDA GAARABA LEH

AFARTAN XADIIS
QAYBO KA MID AH AXAADIISTII NEBI MUXAMMAD 

Ururka Islaamka ee Gargaarka Soomaaliya


TUSMADA KITAABKA
Gogoldhig
1. Camalku waa Niyadda
2. Tiirarka Islaamka
3. Dhidibbada Islaamka
4. Abuurista Aadamiga
5. Bidcada
6. Ka Dheeraanshaha Shubhada
7. Waanada
8. Xurmada Muslimka
9. Qofka Laguma Waajibiyo Wax ka Badan Awooddiisa
10. Wax la Wada Faray Nebiyada iyo Muslimiinta
11. Dhawrsoonaanta
12. Ha Fara Gelinin Wax Aadan ku Shaqo Lahayn
13. Kalgacaylka
14. Waxyaalaha Dhiigga Muslimka Banneeya
15. Anshaxa Wanaagsan
16. Carada
17. Naxariista
18. La Dhaqanka Dadka
19. Gargaarka Alle
20. Xishoodka
21. Qumanaan
22. Wax Jannada Lagu Galo
23. Falka Khayrka
24. Reebidda Dulmiga
25. Wardigu Waa Sadaqo
26. Xilka Saaran Xubnaha Bulshada
27. Shakiga Sidaad Uga Bixi Lahayd
28. Dardaaran
29. Jidka Jannada Loo Maro
30. Xuduudda Eebbahay
31. Wax Ilaahay iyo Dadkuba Kugu Jeclaadaan
32. Ma Bannaana Adiyadu
33. Aasaaska Doodaha
34. Reebidda Munkarka
35. Is-xaq Dhawridda Xubnaha Bulshada
36. Badbaadinta Bulshada
37. Deeqsimada Ilaahay
38. Qofka Colaadiya Awliyada Ilaahay
39. Xaaladaha Qofka Aan Loo Qabanayn Dambiga uu Falo
40. Inaan La Isku Hilmaamin Dunida
41. Hawo Raaca
42. Khatarta Shirkiga

Seeskah Hiddada Soomaalida

SEESKAH HIDDAHA SOOMAALIDA
The Basic Traditional Education in Somalia
Somali Version

MUUSE GALAAL

MUQDISHO
Ogost, 1969

KEY TO THE SOMALI TEXT
C –
Hh –
Kh –
Dh –
G –
J –

QAYBTA RUKUMMADA: (THE TITLES OF THE MAIN FACTORS)

i. Aqoon
ii. Xurmo waalid
iii. Xurmo culimo
iv. Dul iyo dad wad
v. Edab iyo Xishood – Xarraggo iyo Gobannimo
vi. Muslinnimada
vii. Wax-sheegnimo
viii. Dawo
ix. Garta
x. Dal iyo dad aqoon
xi. Hiyir iyo Hubsiino
xii. Feejigo
xiii. Waddaninnimo
xiv. Samir iyo Calool-adayg.

QAYBTA IYO SEESKA MURTIDA: (CATEGORICAL LITERATURES ON THOSE FACTORS)

1. AQOON

1. Ilaahay adduun ha ka baryin ee aqoon ka bari. (Hiddo)
2. Nin waliba kaskiisuu kor-tagaa. (Hiddo)
3. Aqoon yar edeb ku kaalmayso; itaal yarna asaboob. (Hiddo)
4. Waxaan ha deyine waxa ka shisheeya day. (Hiddo)
5. In dheer garato ragna waa ku yar tahay; haweenna kumaba jirto. (Hiddo)
6. Waayeel ha gurina ee wax aqoon gura. (Suldaan Diiriye Raage)
7. Nin rag ahna geel daaqsiintii baa wax loo mariyaa, doqonna qaanso kurkurkeed. (Hiddo)
8. Nin waliba kaskiisuu kor tagaa. (Hiddo)
9. Nin waliba intuu gaadhuu gooyaa. (Hiddo)
10. Rag aqoon talo-gal. (Hiddo)
11. Wale rag waa nooli
12. Nin aan waxa soo socda garani, waxa jooga ma garto. (Hiddo)
13. Dhar hu ma’ha ee aqoon baa hu ah. (Hiddo)
14. Ilaahow aqoonta ha naga habaabin; (Hiddo)
15. Nin dalleensan iyo naagahaa loo dedaa hadale; diirkaan ka garan xaajadaad, dabaqo saartaane. (Qamaan Bulxan)
16. Dushaan kala faqaa niman haddaan war u daliilayne (Salaan-Carrabey)

17. Waxaa la yiri afar nin baa walaalo ahaa. Nin wuxuu ahaa Caalin, ninna Geesi, ninna Deeqsi, ninna Abwaan. Afartii nin baa is qabatay. Waxay isku qabteen taladii reerka.
Caalinkii baa yiri, “Talada ha lay daayo, maxaa yeelay idinku caammaad tihiin. Nin caamma ihina waa nin indhoola. Aniga diintaan aqaan. Kolkaa waa inaad aniga talada ii deysaan.”
Markaasaa Geesi kacay. Wuxuu yiri, “Nimanyahow waa ogtihiinoo anigu geesi baan ahay. Nin alla ninkii soo duulana warankaygaas baan geliyaa. Haddaan aniga layga cabsanayna waa horaa laydin dhici lahaa. Kolkaas haddii aan anigu ahay ninkii idiin daafacaayey, dee waa in aniga talada lay daayaa.”
Deeqsi baa soo booday, wuxuu yiri, “Bal horta aniga deeqsi baan ahay. Waxaad ku dhaqantihiinna waa gacantayda. Iyada ayaa ragna idinka jeedisa, xirsixidhna idin ah. Maantayna rag ayaa hunguri ama il idinku dili lahaa. Kolkaa waa inaad aniga talada ii daysaan.”
Abwaankii oo u dambeeyaa kacay. Wuxuu yidhi, “War hooy bal saddexdiinuba saddex nin oo loo baahan yahay baad tihiin. Midkiinna lagama maarmo. Waxaase jira saddexdiina ninba meel gaar ah ayuunbuu wax-ka-qabashadeeda yaqaan ee reer ma wadi karo. Wadaadow adigu hanuuniyaad tahay, Geesiyow daafacaad tahay, Deeqsiyowna sooraad tahay. Aniguse dhammaantiin baan ahay. Ninka isku kiin wadaa waa aniga. Cilmi waa maxay? Dee waa caqli la ururshey. Geesina? Dee ka dirira uun maaha ee dhul badanoo kalaa iyana geesinnimo u baahan. Deeqina aqoon bay u baahan tahay. War aniga talada ii daaya.”
Afartii nin way heshiin waayeen. Markaasay aguugeen oo wax kala saara doonteen. Degmay u tageen. Waa u warrameen. “War na kala saara.” Degmadii waxay tidhi, “Bal waa tahaye Weeshu libaax affarran bay leedahay, habeen walbana qof baa loo xidhaa. Dee awel degmadaa habeenba qof u xidhijirtaye, dee caawa haddii Eebbe idin keenay horta ninkii iska soo saara.”
Sidaadii la yidhaa afartii libaax isa soo taagtay. Dadkii degmadana wayska dareeray. Hadday dhiillaabeen oo shib la yidhaa Abwaan kacoo yidhi, “War Caalin, diin inagaga akhri.” Suu ye, “Maantaruu libaaxu leeyahayoo, soo dhaaf.” Suu ye, “War geesi.” Suu ye, “Hubba ma sito.” Suu ye, “War Deeqsi!” Suu ye, “Qudheydaaba gaajaysan.” “Ma wada diiddeen? Bal hadda iga eega.”
Libaaxyadii buu ku jeestay, “War waa afarta libaax annagu nin waa idiin soo saaraynaa. Ninkase cad la yidhaa ‘Johorad’ oo cimriga dheereeya ayaa ku jira. Bal idinkuna kii calkaa cuni lahaa soo saara.”
Markaasaa gooshi soo booddoo tidhi, “Waa aniga.” Markaasaa aarkii dhirbaaxo qaadayoo dheg iyo dhaban fujiyey oo meesha ka tuuray. Say halkay isku qabsadeen. Cabbaar markay dirireen baa baranbarqadiiyarayd e dhaddigeyd tidhi, “Waa ani.” Markaasaa yarkii kale dhirbaaxo qaadoo dheg iyo dhaban jebshey. Markii afartii libaax labiyo labo isu qabsadeen buu yidhi, “War haye hadda intay qaybsanyihiin ee is haystaan idinna geesta kala gala.” Markaasay dusha kaga dhufteen oo afartiiba dhinteen. Dabadeedna degmadii baa soo baxday. Waxaa la yidhi, “War kiinnee shaqadaan fiican qaatay.” Waxay yidhaahdeen, “Abwaan.” Markaasaa la yidhi, Abwaanow lagu boqor; dunidana adigu u tali.” Halkaasaa Abwaan taliye ku noqday.

XURMO-WAALID (Respect for Parents)
1. Ilaahow wixii I dhalay ha cadaabin. (Hiddo)
2. Nimaad dhashay kuma dhalin, dhowaantaad u qabtana kuuma qabo. (Hiddo)
3. Nin waalidkiis noolyahay qosol uma bannaana. (Hiddo)
4. Waalid weedh xun laguma cesho. (Hiddo)
5. Ilaahow dadka aabbiyo hooyo. (Hiddo)
6. Aabbahaa iyo hooyadaa mid hal cadaabo afkaa ka hala haysa. (Hiddo)
7. Nin hooyadii guri kaga guuray, aayadii uma negaado. (Hiddo)
8. Habaar waa Alla maagid; oo inkastaad eray jaani iyo aweytuu qarisaan; ood ku wada dhuumataan, ninkaan waalidkii eray xun odhan, ehelu naar maaha. (Kete-fiqi)
9. Xabaalo waalid baa xoolo laga helaa. (Hiddo)
10. Nin walba habartii waw hal madheedha. (Hiddo)
11. Waalid-inkaar. (Used more commonly than its opposite, “Cuqle-waalid”)
12. Habaar waalid haankuu duudsadaa. (Hiddo)
13. Nin habaar waalid qaba hilin lagulama baqdo. (Hiddo)
14. Ishii waalid lagu deyey e tan biqin, ka lagu deyeyna hore waalidkii ugu deyey, oo kayd u yaal bay ahayd. (Hiddo)
15. Dhul waa waalid, Waalidna waa wixii la gashadaa. (Hiddo)
16. Nin dhashiisa arkow waalid ma wax loo dhirfa baa? (Hiddo)
17. Ninkii waalid quudhaa, wuxuu qoomammeeya, Markuu qoodhiyo xero ka deego ee uu labadiisa qar midna qaadan waayaa. (Hiddo)

XURMO-CULIMO (Respect for Religious Leaders)

MUSLINNIMADA

a) Weerdigiyo shahaada inaan weheshadaa weeye.
Weysada salaaddeed inaan waaxidsado weeye,
Wannahaarka soon inaan soor, wasna cunin weeye,
Waxaddayda maal inanan dago, waxar ku dayn weeye,
Wixii waajiboo idil inaan, wada gutaa weeye,
Waqfigii saxabiga inaan, waafaqsado weeye,
Wacad Eebbe iyo dhaar an maray, inan wafayn weeye,
Waalle beena abadkay inanan, welefedayn weeye,
Haddii aanan waalayn inaan, waabsanahay weeye,
Wallays iyo nin weyn inan xurmada, wada simaa weeye,
Nin i soo waciidsaday inaan, wax u lillayn weeye,
Wayi iyo wax-siin inaan Islaan, ugu wadaa weeye,
Wadaadkii kitaabboleh inaan, wan u qalaa weeye,
Welaalis inan meel dugoon ugu wadhaa weeye,
Walanqaha iyo dhayada inuu walamsadaa weeye,
Ina walabbanoo kale inaan, weger idhaa weeye,
Wax i sii hadduu yadhi inaan, waran daraa weeye,
Walbahaarka aakhiro inaan, wax u tabcaa weeye,
Waxsanoo an docniyo inaan, wax xun nacaa weeye,
Wagashnimo mafiicnaa e inaan, wabar noqdaa weeye
(Sayid Maxamad)

b) Degmo idil dad maal yaal ninkii, dux iga soo moodey,
Dug maanaa ka odhan kara bakhayl, derejo loo waaye.
(Koor-Jaan)

c) Saddex hal wayga maan dedan,
Ninka maranti doora leh,
Ee tu kale u marase tegey,
Ninka maal adduunyo leh
Ee marti Nebi kadhan dhigay.
Garta lays mocoorriyoy
Ay laba markhaati oogeen
Ee mooyi mooyi laga naqay.
(Hiddo)

d) Bakhayl nin maaha. (Maxamuud Cali Qablax)

e) Beenlow waa fallalow. (Hiddo, Cabdullaahi Qarshi)

f)

NOTE: Haddii murti kale oo ku saabsan Islaamka loo baahdo, ha la dhigto:-
1. Gabayga Salaan ee ka bilaaba, “Cabdiyow wadeeciyo adduun, way ka bixiqaaye.”
2. Gabayga Cismaan Sharmaake ee ka bilaaba, “Isinka Allaa…”
3. Gabayga Sayid Maxamad ee ka bilaaba “Nin Ilaah yaqaan oo sharciga.”

VII. WAX-SHEEGNIMO (Being an Expert)

(I) Taawisha Roobka: (Weather Forecast)
(A)
i. Dab-shid, (Dab-tuur, Nanriish , Kalaguur, Is-tun)
ii. Dab-shid ilaa dab-shid – 365 habeen
iii. (Always 1st to 4th August)
iv. Axal: og, war xaggee cirka axashiisu fadhidaa sannadka?

(B)
i. Sabbuux jimce laba ka weydaa wankaa-qaladle.
ii. Awrkaa-qalad.
iii. Diin iyo dameer-qalad.
iv. Laba maalisley.
v. Laba maylinley.

(C)
Xiddig habartii waa waabberis, Wabbay ku bilataaba,
Ama weysha qala, bay ku odhan, way tabaaq dhigaye,
Ama weelka culo bay ku odhan, iyo wac iyo aabi.

(D)
Dambasamo wacaalkiis la qaayaa cir waakaday leh.

(E)
Bilo-Dirir iyo bilo dambasame.

(F)
Dirir-Gu: (Burco system)
I) Toddob, ama Hubar Adhi
ii) Daydo, Amminla ama ceel-ka-geeye
iii) Seerma-weydo, Sammuulad ama Fushade
iv) Adhi Caseeye
v) Dirir Sagaare

II. GODAD: (Lunar stations)
Siddeed iyo labaatan godood:

Qadan
Distan
Laxo
Laax-Oor, Cadaad ama Galgaal
Agaali-Cas
Agaali-Cad
Afaggaal
Naaf-Cadde (Qambaar)
Naaf-Madoobe
Tar
Majin
Kuxdin-Awr
Naaso-Gaallo
Dirir
Garbo
Layaxow
Gudban
Lib-Cas
Khoorrey
Mareego-Dheer
Madhan
Faruur-Cirir
Jed-Kabaarre
Jed-Dhiriqle
Jed-Gaanale
Jed-Durruqle
Duugaanti ama Duugato
Farangaag
(29 iyo 30) Dulbad (laba habeen)

III. UUGTA (Planets)
Qorrax
Dayax
Dhayl-Guduud ama Dusaa
Maqal-Xidh-Xidh ama Maxaro-Xidh
Saxal
Mariikh
Cirjiidh, Gobdhawr ama Saxal-Cadde
Kurjub

IV. BILAHA MAGACYADOODA: (Somali names for the 12 months)
Sako ama Dago
Rajal-Hore ama Naal-ma-doone
Doone Rajal-Dhexe Ban-Dambe
Rajal-Dambe
Bil-Dhurro-Hore ama Safar
Bil-Dhurro-Dambe ama Mawliid
Sabbuux ama Aw-Cismaan
Waabberiis ama Aboowsan
Soon
Soon-Fur
Sidataal
Carafo ama Arrafo

V. XIDDIGAHA CAANKA AH: (The most significant stars and constellations)
Hal-Toddobaaddo, Wadama-Xooro; Jaah, Jiitin-Cirir, Awr-Cir, Ximin, Xoomir, Dirir-Dirir-Dhawr, Dambasamo, Dhex-ka-shilis (Moodiyo Sagal)

VI. XILLIYADA: Seasons
[Xilli Gu]
Gu
Xagaa

[Xilli Jiilaal]
Dayr
Jiilaal

VII. DABAYLAHA: (Winds)
Hoohad ama Foore
Xagaashin ama Khariif
Jiilaashin
Bari-ka-Dhac
Laydh
Walwal
Ufo
Leexo

VIII. KULKA: (Heat)
Kaad
Kil
Hanfar, Hanfi ama Xanfar
Hannas

IX. QABOWGA: (Cold)

Qabow
Geydh
Dheel
Haamadday

X. ROOBKA: (Rains)
Shuux
Tumay
Hogol
Jir
Mahiigaan

NOTE: All materials under this above heading are traditional.
DAWADA: (MEDICINE)
1. Dhirta dhiigga joojisa: Anti-Homorhage plants and medicine
a) Wancad, ama Sooma-gale ama Soonah: Xididkeedaa la qaniinaa ama la calashadaa.
b) Waxaro-waalis: Ubaxeeda, diirkeeda ama xididkeedaa nabarka la saaraa inta la calasho ama la tumo.
c) Gunre: Caleentiisa ama qolofta ama xabagtiisa ayaa nabarka la marshaa, amba asalkiisaanabarka lagu maydhaa.
d) Ridmo: Waa caws gaaggaaban oo dhulka ku rambaadha. Xididkiisaa la calashadaa.
e) Dareemo: Xididkeedaa qofka dhiigbaxaya afka loo geliyaa la yidhaa calasho, ama la tumaa nabarka lagu shubaa ama la marshaa.
f) Sarin: Xididkiisaa la tumaayoo nabarka dhiigbaxaya lagu shubaa ama la marshaa.
g) Kariiri: Caleenteeda oo la tumay ama la calashey dheecaankeedaa lagu tif siiyaa.
h) Gororkana: Uneexada xididkeedaa lagu dheecaanshaa.

2. SHARBADAHA: (Laxatives and Tonics)
a) Jalcelo ama salalmaki: Geedkoo dhan baa la karshaa biyihiisa inta la shaandheeyo la cabbaa.
b) Xabag: Hadi biyaa xabagta lagu qooshaa, dabadeedna inta la shaandheeyaa la cabbaa. Dabeedna calooshaa baxda kaadiduna waa badataa dabeed kalyahaa safooba.
c) Dacar-biyoodda: Nakhligeeda yar ee markaa soo baxay oo loo calaashado oo biyo lagu qooshayna biyeheedaa la cabbaa.
d) Geedkase ugu xoog weyn waxaa la yidhaa Bogox-u-jeed, badhidiisaa la cunaa , dabeedna caano dhayaa laa dhamaa.

3. QARAARIS: (Antidotes against snake bites)
Toon
Basal
Xildiid
Timir
Sonkor

4. QUFACA: (Against T.B.)
a) Badhi idaad oo la cabo.
b) Tiiraha oo la karsado.
c) Gaggaboodka oo isagana xididkiisa la tumoo la karshoo inta la shaandheeyo sida shaaha loo cabo.
d) Subagga gorayda oo la cabbo.

NOTE: All the materials given under this above heading are based on traditional, also.

GARTA: (Law cases)

DAL IYO DAD-AQOON: (Geography)

HIYIR IYO HUBSIINNO: (Carefulness)

FEEJIGO: (Caution)

WADDANINNIMO: (Patriotism)
1. Yaahuu. (Axmed Gurey)

SAMIR IYO CALOOL-ADAYG: (Being Resolute)

ANNEX (I)
Minanka Faalka – (The main stations of the future telling)

Faalku waa toddoba iyo toban min. Saddex meelod ayaanay u qaybsan yihiin. Meeli waa laba min. Meelina waa afar iyo toban. Min Meesha hadhayna waa hal min. Lixiyo toban laballabay u walaale tahay. Waa kuwane baro:

1. Jamiic
2. Dariiq

[Min Toddobaaddo]

3. Laaxiq
4. Inkiis

5. Ximre
6. Bayaad

[Min Gobaaddo]

7. Baanyaale
8. Garbo-maar

9. Cuqle
10. Istamiic/Caynsare

11. Qabqable
12. Min Subagle

[Min Shanaaddo]

13. Wadaha-Weyne
14. Guntane

15. Min Yulkhad
16. Kowshac

[Dhaar]

17. Saddex Alif

Hoggaanka Baraha

JAMHUURIYADDA DIMOQRAADIGA SOOMAALIYA
WASAARADDA WAXBARASHADA IYO BARBAARINTA
Xarunta Maamulka Waxbarashada Dadka Waaweyn
“HOGGAANKA BARAHA”
1 – Habka Waxbarista
Sida badan dadka waaweyn waxaa wax akhriska iyo wax qorista lagu baraa habka lagu magacaabo HABKA XARFAHA. Sidaas awgeed, aradaydu sida wax loo akhriyo iyo sida wax loo qoro baranaysa waxay waxbarashadooda ku billaabaan xarfaha oo ay hal hal u bartaan; iyagoo isdaba-joogga Xarfaha raacaya.
Ardaydu marka hore shaqallada bay bartaan oo ay layli ku sameeyaan, kaddibna Shibbanaasha ama isweydaarka labada tillaabo. Ugu dambaystana Shaqalladii iyo Shibbanaashii ay barteen bay ardaydu isu keenaan oo ay codad ama weero fudfudud ka sameeyaan.

Tusaale:
a e i o u
aa ee ii oo uu
b t j x y
bar bir bal caad caano
jar jiir tiir taar moos

Waxtarka uu habkanu leeyahay waa isagoo bare kastaaba si hawl yari ah ugu dhaqmi karo; kol ay ku adag tahay qaarka aan habka waxbarista xirfad fiican u lahayn.
Hase yeeshee, waxaa jira dhawr waxyeelood oo halis ah oo uu habkanu leeyahay ama ku dhaqankiisa la xiriira:
– Xiisa ay ardaydu waxbarashada u leedahay durbadiiba wuu yaraadaa; sababtuna waxay tahay iyadoo intii mudda ah summado aan micna lahayn, sida xarfaha oo kale, lagu mashquuliyo.
– Hawsha u weyn ee inta uu casharku socdo la qabtaayi waa bawsi, ama ardayda oo wax allaale wixii baraha afkiisa ka soo baxa dusha ka xafida. Taasu xiriirka iyo wax wada qabsiga fasalka iyo baraha bay turunturro ku noqotaa oo ay is hor taagtaa. Ugu dambaystana, dhibaatada halkaa ka soo unkata waxay isugu soo biyo shubataa iyadoo aysan ardaydu waxay dusha ka soo barteen mooyiyi aysan karti ay waxyaabo yaryar ku akhriyaan ama ku qoraan lahayn.
– Inta aysan ardaydu dhab ahaan u garan inay ereyadu wax sidooda u jira oo micna leh yihiin, dhibaatooyin bay isu keentooda kala kulmi, markay akhrinayaan iyo markay qorayaan labadaba.

Waxbarashadu waa qofka dabeecaddiisa ama noloshiisa oo beddel lagu sameeyo iyo iyadoo wuxuusan horey u aqoon la baro. Sideedabana waxaynu wax ku baranaa:-
– Maqalka (innagoo maqalna oo dhagta wax la inooga sheego)
– Aragga (innagoo indhaheennaa kaga dharagna wixii cusub)
– Samayn (innaggoo waxaynu baranayno gacanta ka qabta)

Sidaas awgeed, qofka wax akhriska iyo qorista yaqaanaayi, waa inuu leeyahay awood uu:-
– Ereyo micna leh ku akhriyo kuna qoro.
– Ereyadan isugu geeyo oo weero micna leh ka sameeyo.
– Weerahana isugu geeyo oo uu sheekooyin gaagaaban iyo waxyaabaha kale ee baahidiisa, jeceelkiisa iyo waxyaabaha uu ka helo la xiriira ka sameeyo.
– Xarfaha ay fartu ka kooban tahay wada qaatay oo uu yaqaan, si uu ereyo micna leh uga soo saaro.

Taasu waxay inoo oggolaanaysaa inaynu Habka Xarfaha ka kaaftoonno, oo aynu xarfaheenna is barno innagoo ereyo ay ardaydu jecel yihiin oo ay yaqaaniin kaalmaysanaya. Sida muuqatana waajib innaguma aha inaynu xarfuhu siday isu daba joogaan u baranno.

Inta aad habka ereyada ku dhaqmaysid, waa inaad tixgelisaa ood ka foojignaataan qodobbadan hoos ku qoran:-
1- Isla markiiba Looxa-boodda ereyo ha uga buuxin. Marka hore intii mudda ah ardayda la sheekayso, si aydun isu barataan.
2- Kaddibna ereyga buugga ugu horreeya looxa ugu dhig (qor). Barayaasha uusan habka ereygu ku cusbayni, ereyo bay iskood u heli karaan ama ereyo ay ardaydu u sheegeen bay ku dhaqmi karaan.
Tusaalo:- d u g s i g a
Ereyga si digtooni ah ugu dhawaaq; ardayduna ha kaa daba qaaddo; ereyga aad marba ku dhaqmaysidna ul dheer ama mastarad ku tilmaan.
3- Markay ardaydu ereyga akhriyaan, ha ku degdegin inaad qoraalkiisa billawdid, ee marka hore tus qaabka qalinka iyo buugga loogu dhaqmo. Haddiise ay dhacdo inay ardaydu ku dhaqanka qalinka iyo buugga yaqaaniin, isla markiiba tillaabada xigta baad u gudbi kartaa. Ka digtoonow inaadan waqtiga kaga lumin waxyaabahay horey u yaqaanayn.
Waxaa fiican inaad ereyga “dugsiga” sawir ugu lamaanaysid, si ay ardayda suuragal ugu noqoto inay ereyga akhriyaan iyagoo ereyga iyo sawirka isla xiriirinaya.
4- Markay ardaydu yeeshaan awood ay areyga ku akhriyaan, wixii qalab ah ee ay haystaanna (buugga, qalinka iwm) si quman ugu dhaqmi karaan, ereyga looxa si tifaftiran ugu higaadi
d u g s i g a
Xarfaha oo dhan ku dhawaaq, qoraalka ereygaas xarafka ugu fudud sida “i” baad ka billaabi kartaa. Haddaad doontid, “d” baad ka billaabi kartaa, hase-yeeshee waajib kuguma aha oo uma aad baahnid.
5- Marka hore habka qoraalka looxa-boodda ku muuji. Xariiqimaha ay ardaydu buugaggooda ku arkaan oo kalena looxa ku samee. (Taasu waxay ardayda ka gargaaraysaa inay ujeeddada xariiqimaha laga leeyahay si dhab ah u gartaan.

Kaddib markaad xariiqimaha samaysid, xarfaha si tartiib ah oo quman u qor. Dabadeetana ardayda ku dhex wareeg si aad kuwooda liita gacan u siisid. Haddaad la kulantid arday si qaab daran wax u qoraya
oo aysan gacaritiisu fadhiyin, tus sida habboon ee qalinka iyo buugga loogu dhaqmo, kana codso inuu gacantiisa layli tababar ah ku sameeyo.
6- Markaad ogaatid inay ardaydu si fiican xarfaha u qori karaan, ka codso inay xarfaha ay yaqaaniin ereyo cusub ka sameeyaan. Ereyada cusub ha qoraan hana akhriyaan iyagoo ereygii hore ee dugsi ahaa ku beddelaya.
7- Ereyada cusub sidaa ku wad, iyada oo ay ardaydu xarfihii ay horey u yaqaaniin marba erey ka dhisaya. Haddaad casharkii hore si digtoonaan ah u raacday, tillaabada labaad waad fududayn kartaa.

“DEGDEGSIINYAHA WAXBARISTU WAXAY HAD IYO GOOR KU XIDHAN TAHAY GUUSHA UU MARBA FASALKU GAADHO”

Gabagabada waxbarashadanna, waa inaad hubisaa inay ardaydu xarfaha ay fartu ka kooban tahay si quman u wada garteen; ereyo kala geddisan iyo weero gaagaabanna akhriyi karaan oo misana qori karaan. Waxaa iyana loo baahan yahay inaad layliyaal ku filan siisid, adigoo buug, wargeys, ama waxyaabe kale la kaalmaysanaya. Haddii uu waqtigu kugu filan yahayna weero gaagaaban u yeeri.

ISKU DUUB
dugsiga – tillaabada 1aad: Ereyga looxa ku qor, ardayduna ha akhriyaan.
dugsiga – tillaabada 2aad: Ardayda ayaa xarfaha akhrin oo qori, si digtoonaan ahna layli ugu samayn.
Dugsiga – tillaabada 3aad: Ereyga “dugsiga” ayay ardaydu beddeli oo ereyo cusub oo isla xarfahay barteen ka kooban bay dhisi.

DHAWR SHARCI OO HABEYNTA FASALKA KU SAABSAN
Soo saaridda iyo ku dhaqanka Qalabka wax la isku baro:
FASALKA
Ka hor intaadan casharka guda gelin, waxaa lagama maarmaan u ah oo guul lagaga gaaraa Waxbarashada Dadka Waaweyn, qodobbadan soo socda oo fiiro gaar ahaanayd loo yeesho.
1- inaad had iyo goor hubsatid inay ardaydu si habboon u fadhido. Ardayda oo idili waa inay leeyihiin awood ay lugahooda iyo gacmahoodaba siday rabaan ugu fidsadaan; labaderaadle, inay dhib yaraan looxa ku fiirin karaan iyagoon fadhigooda xumaynin.
2- inaad hubisid inuu fasalka oo idili nal ku filan leeyahay.
3- inaad fiilo gaar ahaanayd u yeelatid ardayda aragga iyo maqalka xun, adigoo mar walba tixgelinaya da’da, aragga iyo maqalka ardayda waayeelka ah, ayaa waxaa habboon inaad marka hore fasalkaaga kala shaandhaysatid, si aad u ogaatid kartida uu midkastaaba ka leeyahay aragtida fog iyo maqalka. Waxa badanaaba fiican inaad ardayda aragga iyo maqalka xun safafka hore fadhiisisid.
4- Ka hor intaadan casharka guda gelin, hubso inay kuu dhan yihiin qalabkaad wax ku dhigi lahayd (boodda, qalabka wax la isku baro iwm). Wixii kale ee ay ardaydu u baahan yihiinna sidoo kale uga digtoonow.
Taasu waxay dawo u tahay inuusan marnaba socdaalka isdabajoogga ah ee casharku kala go’in.
5- Casharka kaddib, hubso in fasalka iyo looxaba si wanaagsan loo nadiifiyo.

QALABKA WAX LA ISKU BARO IYO KAALINTA UU WAXBARASHADA KAGA JIRO
Waa maxay Qalabka wax la isku baro?
Qalabka wax la isku baro waa Hubka kala geddisan ee uu baraha wanaagsani ardaydiisa si cad oo muuqata, maskaxdoodana ku waarta wax ugu baro. Baraha wanaagsan ee firfircooni wuxuu awood u leeyahay oo suuragal u ah inuu cashar allaale casharkii uu dhigayo (xisaab, af, saynis, taariikh, iwm) u heli karo qalab waxbaristiisa u dhib yareeya.
Baraha doonaya inuu si qaab leh Qalabka wax la isku baro ugu dhaqmo, waxaa ku habboon inuu qodobbadan ka digtoonaado:-
– Dhuuxo kartida ay ardaydu garashada sawirrada iwm u leeyihiin.
– Qalabka aad wax ku baraysid ha ahaado midaad soo xulatay, ujeeddadaana dhib yaraan kuu gaarsiin kara.
– Qalabku ha ahaado mid ay samayntiisu fududdahay, si ay ardayduna hadday doonaan u sameysan karaan.

Qalabka wax la isku baro guud ahaan laba qaybood buu u kala qeexan yahay. Labadaas oo ah:-
1- Qalabka taagan (non-projected-aids) ee aan mashiinnada u baahnayn; iyo
2- Qalabka socda (projected-aids) ee mashiinnada u baahan.

Tusaalo:-
Qalabka taagan Qalabka socda
Looxa.-boodda Filimka
Looxa – bustaha Slides
Maababka Film-strips
Sawirrada Mullaaxada (Cajalad)
Wargeysyada Raadiyaha
Tabeellayaal (Boodhadh) Telefiishinka iwm

Qalabka wax la isku baro ee taagan (non-projected aids) intooda badan baraha kali ahaantii samaysan kara; ama ardaydiisa buu wadajir ula samaysan karaa. Hase-yeeshee, waxbarista oo guul laga gaaraayi waxay ku xidhan tahay “ISXILQAAMKA BARAHA” – sida uu casharkiisa u soo diyaariyo, habka uu damacsan yahay inuu casharka isaga ah ardaydiisa u baro, iyo qalabka uu marba ku dhaqmayo.
LOOXA-BOODDA
Looxa-booddu wuxuu ka tirsan yahay qalabka wax la isku baro ee taagan waana wax weligii soo taxnaa oo dugsiyadeenna lagaga dhaqmo. Inkasta oo ay looxyada dugsiyadeennu madow u badan yihiin, haddana waxaa la ogaaday inuu cagaarka-madoobi ka wanaagsan yahay madowga kaligiis.
XIRIIRKA LOOXA-BOODDA IYO FASALKA:-
– Looxa boodda waxaad dhigtaa meel sinan oo iftiin ku filan leh, ardaydana ay ka wada arki karaan,
– Casharkaaga looxa oo si wanaagsan loo tirtiray ku qor (waa inaysan marna casharkii hore wax ka soo hadhay casharkaaga cusub kaa dhex gelin). Haddii ay taasu dhacdo, ardayda bay jaha wareer ku ridi.
– Looxa sida buugga wax lagu qoro oo kale ugu dhaqan. Dhinaca sare ee bidixda ka billow wax qorista adigoo si jiifta ah wax u qoraya. Sadarrada si habboon isugu hoos qor, adigoo sadarrada looxa ku samaysan si habsan kor iyo hoos u buuxinaya.
– Looxu waa inuu qayb casharkaaga ka mid ah noqdaa. Ardaydu waa inay fartaada wada akhriyi karaan. Marka hore waxaa fiican inaad xariiqimaha buugga ku yaal oo kale looxa ugu samaysid, si ay ardaydu kuu raacdo, una gartaan faa’iidada ay xariiqimuhu leeyihiin. Ul toosan ama mastarad baad xariiqimaha ku samaysan kartaa.
– Marka aad wax qortid, ha isku gudbin oo looxa ha la sheekaysan ee barbar ugu istaag oo fasalka u soo jeedso.
LOOXA-BUSTAHA:-
Looxa-bustahu wuxuu ka tirsan yahay qalabka cusub ee wax la isku baro ee taagan. Guud ahaan hawsha looxan lagu qabto waxay u dhawdahay midda looxa-boodda; hase-yeeshe, waxay ku kala geddisan yihiin in ku dhaqanka looxa-bustahu u baahan yahay hawl casharka hortiisa uu baruhu soo qabto. Waxaa loo baahan yahay inuu baruhu ka hor inta uusan fasalka iman si habsan isugu soo dubbarido casharka uu rabo inuu maalintaa dhigo; iyo iyadoo la isku raacay inuu looxanu dadka waaweyn ee billowga ah waxbaristooda uga fiican yahay looxa-boodda. Taas waxaa looga jeedaa “looxanu wuxuu baraha siin karaa awood uu si qayaxan isdabajoogga casharkiisa ugu muujiyo.

Samaynta Looxa-bustaha:-
Looxa wuxuu ka samaysan yahay maro ama good duf leh iyo wax adag (loox) oo xagga dambe lagaga tiirsho. Waxaa fiican inay maradu ahaato wax jilicsan oo duf leh ama suuf dhegdheg leh.
Haddii ay dantu kugu kalliftana, busta duug ah baad ka samayn kartaa. Warqadaha la socdana si ay looxa ugu dhagaan, waxaa fiican oo loo baahan yahay inaad iyaga xagga dambe wax duf leh kaga dhajisid.
Looxa marba intii la doono baa lala ekeysiin karaa, waxaase fiican inuu laydi (rectangle) dhererkiisu 1 mitir iyo 20 ilaa 1 iyo 40 yahay ahaado. Haddii ay dantu kugu kalliftana looxa-boodda ama darbiga baad markaad ku dhaqmaysid ku mismaari kartaa, si loo duuduubo kaddib marka ay hawshu dhammaato.

HABKA DIYAARINTA XARFAHA, LAMBARRADA, SAWIRRADA IWM EE LOOXA-BOODDA
LA SOCDA:-
– Marka hore soo aruurso waxaad u baahan tahay.
– Sida aad u rabtid u jarjaro, adigoo tixgelinaya aragga, firfircoonaanta iyo kartida ardayda.
– Kaddib markaad jarjaratid, dhinaca dambe wax duf leh (sand-paper) kaga dheji, si ay looxa ugu dhagaan.
– Waxaa iyana lagama maarmaan ah inaad leedahay ugu yaraan laba sanduuq ood xarfaha, lambarrada, iwm ku kaysatid si ay suuragal kuugu noqoto inaad qalab diyaar kuu ah u haysatid iyo inaad casharrada dambe ugu dhaqantid.

SAWIRRADA
Ardayda ay waxbarashadu ku cusub tahay, waxay badanaaba jecelyihiin inay macnaha ereyga ama wixii kale ee ku cusub gartaan; sidaas awgeed, waxaad caadaysataa inaad had iyo goor ereygii ku cusubba sawir ugu lamaanaysid.
– Taasi garashada ereyga bay gacan weyn u gaysan kartaa.
Sawirka wanaagsani ardayda uu wax akhrisku ku cusub yahay buu garashada macnaha ereyga ka kaalmeeyaa.
Sawirka wanaagsani waa midka si fudud ulajeeddadiisa loo garto.
Sawirka wanaagsani waa midka hal ama laba waxyaalood oo si bayaan ah u muuqata ku tusa.
Flash-cards: Qalabkanu wuxuu isna ka tirsan yahay qalabka taagan ee wax la isku baro; wuxuuna ka kooban yahay warqad adag oo ay wax ku qoran yihiin iyo gal ama bushqad la dhex geliyo. Ujeeddada qalabkan laga leeyahay waa:-
– inaad ardayda dhexdeeda xamaasad ku beertid. Taas waxa looga jeedaa, fasalkaad erey, ama xisaab, iwm ay hadda ka hor la soo barey dhex dhigi, adigoo ereyga badhkii ama xisaabta qaarkeed galka ku dahaadhaya.

Tusaale:-

– Faaiidooyinka kale ee uu qalabkanu leeyahay waxaa ka mid ah isagoo suuragal kaaga dhigaya inaad hubsatid oo aad dhab ahaan u garatid inay ardaydu casharkii tagey si habsan u garteen iyo inay waxyaabo ay weli mugdi kaga jiro oo u baahan in mar labaad loogu soo celiyo.
Awoodda ardayda ee akhriska iyo garashada summadaha kala geddisan ee ay fartu ka kooban tahayna aad buu ardayda uga gargaaraa.
– Wax akhriska degdegga ahna waa lagu bartaa.
TABEELAYAASHA
1.War-isgaarsiintas:- Tabeellayaasha noocaas oo kale ah waxaa loogu dhaqmaa oo kaliya in wixii war cusub ah xubnaha fasalka ama bulshada loogu faafiyo.
Tusaale
dad la isugu yeerayo inay arrin ama qodob khaas u ah ka wada xaajoodaan; ama waxyaabaha ay aflaamtu ka mid tahay oo la is ogeysiiyo.
Tabeellayaashaas oo kale waxaa fiican in loo qoro hab aragtida u horreysa oo qudha lagu wada arko, ujeeddadiisana lagu fahmo. Sidaas awgeed, waa inay yihiin qaar si habsan loogu fara yaraystay oo ku soo jiita.
2.Waxbarasho:- Ujeeddada weyn ee tabeellayaashan laga leeyahay waa inay qofka akhrisanaya ku beeraan xamaasad uu arrin khaas ah war faahfaahis oo isaga ku saabsan ugu sii raadsado. Goobta laga heli karo warkan cusub ee xiisa lehna waa in tabeellaha si quman loogu muujiyo ama in qofka akhrisanaya war xiisa u leh loogu tabiyo.
Labada goorba, waxa lagama maarmaan ah in tabeellayaasha loo qoro hab ama xirfad ujeeddadiisa isla markiiba loo garto.

TABEELLAHA WANAAGSANI:-
– Wuu kooban yahay oo fudud yahay.
– Fikrad qudha buu wataa ama muujiyaa.
– Meel si quman looga wada arki karo baa la sudhaa ama la taagaa
– Sharax cad oo kusoo jiita buu leeyahay.
– Midabbo kala geddisan buu leeyahay si uu qodobbada danta laga leeyahay ku muujiyo.
– Xarfo waaweyn buu ku tusaa, markuu midab qudha ku qoran yahay.
WARGEYSKA:-
Si aad awoodda akhriska ee ardaydaada horey ugu dhigtid, waxaa fiican inaad wargeyska waxbaristooda ku dartid marka u horreysa ee aad is tidhaahdid weero gaagaaban bay akhriyi karaan. Waxaad ku dhaqmi kartaa wargeyska maalin walba soo baxa, adigoo marka hore arday ka codsanaya inuu qodob gaaban oo xiiso leh fasalka oo dhan kor ugu akhriyo. Kaddibna, dhawr arday baad ka codsan kartaa inay qodobbo kala geddisan iyana fasalka dhexdiisa ka akhriyaan. Waxaad awood u leedahay oo kuu furan inaad dhawr qodob oo xiiso leh wargeyska ama buug kale oo wax laga akhristo uga soo saartid, ood markaa ardayda u qaybisid, si ay guryahooda ugu soo akhristaan, maalinta labaadna iyagoo u soo tabaabushaystay fasalka hortiisa uga akhriyaan.
Ka digtoonow inaad had iyo goor isla arday uun la xiriirtid, ee waxbaristaada ha noqoto mid wareegta ah oo aad arday walba kartida uu leeyahay qof ahaan u ogaatid.

Buugga Xasuus-qorka:-
Haddii ay ardaydaadu tahay qaar horey u maray oo awood ay waxyaabo yaryar ku qoraan leh, ku dhiiri geli inay buugga Xasuus-qorka haystaan.
Taasu waxay ka kaalmaynaysaa inay awoodda yar ee ay leeyihiin wixii xiisa leh ee ay arkaan ama maqlaan ugu qortaan. Waxbarista noocaas ahi xamaasad aan la koobi karin bay ardayda ku beeri waxayna jeclaysiin inay awooddooda cusub ee ay qoraalka u yeesheen ku isticmaalaan.
Had iyo goor taariikhda iyo maalinta wax qorista ha ku billaabaan. Lafta ama suldiggana (text) waxaa fiican inay marka hore buuggooda joogtada ah ku soo diyaarsadaan, sababtuna waxay tahay iyadoo aysan ardaydu u bislayn habka ay fikraddooda isugu hagaajin lahaayeen.

Dhawr fikradood oo barista, waxbarista iyo asluubta baraha saameeya:-
– Casharkaaga ka dhig waqti xiisa leh oo lagu istareexo. Ardayda fursad ay fikraddooda ku dhiibtaan sii, una oggolow oo ku dhiiri geli inay qayb libaax isdabajoogga waxbarashada ee fasalka ka qaataan. Taas waxaa looga jeedaa inaadan casharka 1aad billowgiisaba ardayda ereyo culculus kaga argagixin, looxana aadan xarfo iyo summado kale oo aysan markaa ka hor arkin uga buuxin.
Marka hore ardayda la sheekayso, adigoo isu sheegaya una oggolaanaya inay iyana markooda is dhex galaan ooy is bartaan. U muuji niyadda wanaagsan ee aad u leedahay inaad dhibaatooyinka noloshooda
la xiriira ee maalin walba haysta ka taageertid. Wax uga taataabo ujeeddada qoraalka iyo akhriska laga leeyahay, isla markiina si cad ugu sheeg faa’iidada ay waxbarashadaasi isbeddelka noloshooda u yeelan karto, iyo horumarka degdegga ah ee ay u yeelan karto.
Had iyo goorna ardaydaada waayeelka ah si ay Jaallenimo iyo sinnaan wax wada qabsi leh u dhex gal ulana dhaqan.
Marka aad ogaatid inay ardaydu tallaabada aad joogtid garteen, ha ku celcelin casharkii hore ee u gudub casharka ku xiga; haddii kale waxaa dhici karta inay waxbarashada ka qalbi jabaan, sidaasina ay waxbarashadoodii ay markii hore niyadda u lahaayeen kaga lunto.
Haddaba si aysan arrintaa halista ahi u dhicin, waxaa habboon inaad hawsha aad fasalka ka qabanaysid marba waji cusub u samaysid.
Tusaale:-
Kaddib markaad intii 20 daqiiqadood ah casharka u macnaysid, awood ay casharka ku akhristaan ama dhexdooda uga wada falanqoodaan sii. Marka ay wada doodayaanna, u oggolow inay qortaan qodobbada u waaweyn ee ay isku af garteen. Iska ilaali oo ha caadaysan inaad isagadhex baxdid, ee adigu maalmaha hore guddoomiye ka noqo, adigoo Weydiimo gaagaaban oo warcelintooda u fududaynaya had iyo goor waddada ugu xaadhaya. Iskana ilaali inaad noqoto kaligii hadle, ee ardaydaadana sii fursad ay fikraddooda ku muujiyaan.
Ku dadaal inaad had iyo goor waaya aragga ardaydaada waaweyn ka faa’idaysatid, sida ay iyaguba aqoontaada iyo waaya aragnimadaada uga faa’idaystaan.
Habka waxbaristaadu ha noqoto mid waxay ardaydu yaqaaniin ka billaabata, kaddibna aad waxaysan aqoonin ugu gudbin kartid. Arrintaasu waxay gacan ballaaran ka geysan kartaa qalbi furnaanta iyo niyadda xoogga leh ee ay ardaydaadu waxbarashada u yeelanayso,
Ku dadaal oo caadayso inaad had iyo goor fasalka ardayda uga soo hormartid, marnabana yeysan dhicin inaad adigoo ogsoon inay ardaydu ku sugayso fasalka ka maqnaatid. Maqnaashada aad maalin casharka ka maqnaataayi, niyad xumi iyo iyagoo waxabarashada ka maangooba bay fasalka ka dhex dhalin kartaa.

HABKA WAXBARISTA IYO ABAABULKA FASALKA
Waxbarista fasalka ee caadiga ahi waa hab joogta ah oo weligii soo taxnaa, maxaa yeelay, waa hab aad u fudud oo dhib yaraan loogu dhaqmi karo. Hase yeeshee, dhibaatooyin dhawr ah oo la xiriira buu leeyahay:-
– Kartida qofku uu wax ku barto, isagoo wixii afka uun looga sheega dhagaysta ee aan kaalin buuxda wax-is-barista ka qaadan aad bay u yar tahay. (Araggu dawr weyn buu waxbarashada ka ciyaaraa).
– Ardayda wax baranaysaayi durbadiiba way daalaan, kaddibna foojignaanta ay waxbarashada u leeyihiin baa ka dhunta oo maskaxdooda baa meela kale tiigsata maadaama aysan si firfircoon wax-is-barista uga qayb qaadanayn.
– Waxaa suuragal ah oo dhici karta inay dhinaca ardayda is afgaranshawaa ka timaado. Sidaas awgeed waxaannu ku talinaynaa in mar alliyaale markay suuragal tahay hababka kale ee waxbarista dadka waaweyn habkan isaga ah kaga habboon waxbarista loogu dhaqmo, gaar ahaan kuwa ugu faa’iidada roon:-
– Kooxaha wadajirka u shaqeeya
– Ardayda oo dhexdooda wax isbara (is-taageeira)
– Hawl gooni ahaan loo qabto, iwm.

Kooxaha wadajirka u shaqeeya:-
Is dhexgalka noocaas oo kale ahi wuxuu qofka siiyaa awood uu isku kalsoonaantiisa iyo kartidiisaba ku muujiyo, waa hab ku habboon oo u qalma wadammada Soomaaliya oo kale ah ee ay ku nool yihiin Bulshad hantiwadaag iyo Demoqraadi ah.
Hawsha koox-kooxdu waxay taabbagal yeelataa mar alliyaale marka uu baruhu doonayo inuu ujeeddooyinkan gaaro:-
– Inuu tacliin cusub ardaydiisa u gudbiyo iyo marka uu doonayo inuu tababar ku siiyo xirfado cusub oo waxbarashadooda saameeya.
– Marka uu doonayo in dhibaato ama mas’alo uu ardayda soo dhex dhigay laga wada murmo, kaddibna si fiican looga baaraan dago ilaa inta uu iska odhanayo xal baa wadajir looga gaadhay.
– Marka uu doonayo inuu hawo demoqraadi ah fasalka ka dhex abuuro isagoo mar walba tixgelinaya mas’uuliyadda uu kooxda iyo qofka kaligii ahba ku leeyahay.
– Marka uu doonayo inuu hagaajiyo wax wada qabsiga iyo isku duubnaan wax loo wada dhaliyo, iyadoo maskaxda iyo ficilkaba looga wada dhan yahay.
– Marka uu doonayo inuu u tababaro, hawshoodana u fududeeyo oo ay baraha kaga madax bannaanaadaan.

Kicinta iyo horumarinta awoodda ardayda;-
Waxaa la ogyahay inay guusha waxbarashada laga gaaro ay tirada ardayda ku xidhan tahay. Taas waxa looga jeedaa inta ay tiradadoodu badan tahay guusha ay waxbarashada ka keenayaanna way yar tahay. Sidaas awgeed, waxaa la door biday inaysan marnaba ardayda waxbaranaysa ama ay hawli ka dhexayso lix ilaa siddeed ka badan.
Hase yeeshee, guusha u weyn ee waxbarashada laga gaaraayi waxay had iyo goor ku xidhan tahay abaabulka iyo isku soo dubbaridka uu baruhu casharkiisa ku soo sameeyo.
– Haddii ay suuragal kuu tahay, casharradaada iyagoo daabacan ardayda u qaybi, haddii kalena, looxa-boodda ugu qor. Casharka la is barayo waa inuu ahaado mid si quman looga soo shaqeeyay oo micna ku fadhiya (marka aad looxa ku qoraysid iyo marka ay ardaydu maskaxdooda uga fikirayaanba.)
– Alaabta ku habboon (qalimmada, buugagga ay wax ku qortaan, iyo waxyaabaha kala geddisan ee waxbarashadooda u fududaynayaba) aad bay waxtar ugu leeyihiin. Sidaas awgeed waxaa baraha laga doonayaa inuu hubiyo in qalabkoodu u wada dhan yahay.
– Haddii aysan ardaydu hawsha kooxda waaya-aragnimo u lahayn, fasalka oo dhan hawl kaliya ka dhexaysii.

Arkaanta Iimaanka

Arkaanta iimaanka waxey ka koobantahay  rumeynta : alle iyo malaaiktiisa iyo kutubtiisa iyo rusushiisa iyo maalinta aakhiro iyo qadarka  kherkiisa iyo shartiisa.

Alle wuxuu yiri :

[arabic-font](وَلَٰكِنَّ الْبِرَّ مَنْ آمَنَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ وَالْمَلَائِكَةِ وَالْكِتَابِ وَالنَّبِيِّينَ)[/arabic-font]

[arabic-font][سورة البقرة: الآية 177][/arabic-font]

Macneheedana waxaa waaye:”… laakiin sama falaha waa ruuxa ruumeeya alle iyo maalinta aakhiro iyo malaaikta iyo kitaabka iyo nabiyada ”

Alle wuxuu yiri :

[arabic-font]( ۚ كُلٌّ آمَنَ بِاللَّهِ وَمَلَائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ لَا نُفَرِّقُ بَيْنَ أَحَدٍ مِّن رُّسُلِهِ)[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:” waa rumeeyay rasuulki wixi looga soo dejiyay xaga rabigiis , muminiintana wey rumeeyeen , mid walbana wuxuu rumeeyay alle iyo malaaiktiisa iyo kutubtiisa iyo rusushiisa , mana kalageyneyno rusushiisa…”

[arabic-font]وقال تعالى[/arabic-font]

54:49

Macnaha aayada waxaa waaye:” anagaa wax walba ku abuurnay qadar(qiyaas)  ”

[arabic-font]وقال النبي صلى الله عليه وسلم(الايمان ان تومن بالله وملائكته وكتبه ورسله واليوم الاخر وتومن بالقدر خيره وشره )رواه مسلم[/arabic-font]

 Nabiguna –naxariis iyo nabad dushiisa allaha yeelee- wuxuu yiri :”iimaanku waa in aad rumayso alle iyo malaaiktiisa iyo kutubtiisa iyo rusushiisa iyo maalinta aakhiro iyo qadarka kherkiisa iyo shartiisa “.

Marka iimaanku waxuu  kan koobanyahay hadal carabka looga dhawaaqo iyo rumen qalbiga laga rumeyo iyo fal xubnaha lagala yimaado,camalka suubanna wuu ku kordhaa,  macaasida iyo camalka xunna wuu ku nuqsaamaa

[arabic-font]وقال تعالى  :[/arabic-font]

8:2

8:3

8:4

[arabic-font][سورة الأنفال: الآية 2-4][/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:”muminiinta waa uun kuwa marki alle la xuso ay cabsato quluubtooda, marki lagu dul akhriyo aayaatkiisana waxey u kordhisaa iimaan , rabigoodna tala saartaan, ahna kuwa oogo salaada waxaan ku irsaaqnana wax kabixiyo , kuwaas waaye kuwa muuminiinta xaqa ah   ”

[arabic-font]وقال تعالى[/arabic-font]

[arabic-font]( ۚ وَمَن يَكْفُرْ بِاللَّهِ وَمَلَائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ فَقَدْ ضَلَّ ضَلَالًا بَعِيدًا)[/arabic-font]

[arabic-font][سورة النساء: الآية 136].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:” ruuxi ku gaaloobo alle iyo malaiktiisa iyo kutubtiisa iyo rusushiisa iyo maalinta aakhiro si xaqiiqo ah ayuu u  baadiyoobay baadi fog”

Hadaba iimaanka carrabka ayaa looga dhawaaqaa,sida : dikriga alle iyo ducada iyo wanaaga oo lees faro iyo xumaanta oo leska reebo iyo quraanka oo la akhriyo iyo wixi lamid ah

Qalbigana iimaanku waa ka sugmaa sida rumeenta u kalinimada alle uu u kali yahay rabinimada iyo ilaahnimada iyo magacdiisa iyo sifaadkiisa iyo in ey waajib tahay alle kaliya in la caabudo iyo wixi lamid ah oo qalbiga laga rumeeyo.

Sidoo kale waxaa soogelayo iimaanka acmaasha qalbiga, sida : alle in la jeclaado lagana cabsado lana talasaarto iyo wixi la mid ah .

Waxaa kale oo soo gelayo iimaanka acmaasha xubnaha, sida : salaada iyo soonka iyo xajka iyo ku jihaadka jidka alle iyo cilmiga oo labarto iyo wixi lamid ah .

 

[arabic-font]وقال تعالى[/arabic-font]

8:2

[arabic-font] [سورة الأنفال: الآية 2][/arabic-font]

Macnaha aayada waa lasoo dhaafay

[arabic-font]قال تعالى[/arabic-font]

48:4

[arabic-font][سورة الفتح: الآية 4][/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:” ale waa kan ku soo dejiyay xasiloonida quluubta muuminiinta si ay iimaan ugu kororsadaan iimaankoodi ”

Iimaankuna waa kordhaa mar walbo oy kororto cibaadada adoonka iyo falalka suuban uu alle ugu dhawaanayo .

waana nuqsaamaa markay yaraato cibaadada adoonka .

Macaasidana sidoo kale iimaanka way waxyeeleysaa oo hadey macaasidaas shirkigi weynaay tahay iimaanka dhan ayay buridaa hadii ay tahayna shirki wax kayarna iimaanka dhamestirkiisa ayay burisaa oo iimaan buuxo manoqanaayo

[arabic-font]قال تعالى[/arabic-font]

4:48

[arabic-font][سورة النساء: الآية 48][/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:”alle ma dhaafo in lala wadaajiyo , waxowsa ka dhaafaa wixi ka soo haro ruuxuu doono”

[arabic-font]قال تعالى[/arabic-font]

[arabic-font](يَحْلِفُونَ بِاللَّهِ مَا قَالُوا وَلَقَدْ قَالُوا كَلِمَةَ الْكُفْرِ وَكَفَرُوا بَعْدَ إِسْلَامِهِمْ)[/arabic-font]

[arabic-font][سورة التوبة: الآية 74][/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:” waxey ugu dhaaranayaan alle in aysan dhihin , waxasa xaqiiqa ah in ay dheheen hadalki gaalnimada , weyna gaaloobeen islaamkoodi ka dib”

[arabic-font]وقال صلى الله عليه وسلم: ( لا يزني الزاني حين يزني وهو مؤمن، ولا يسرق السارق حين يسرق وهو مؤمن،ولا يشرب الخمر حين شربها وهو مؤمن )متفق عليه.[/arabic-font]

Xadiiska macnihiisana : masinaysanayo kan sineysanayo markuu sinaysanayo asiga oo muumin ah ,mana xadayo kan wax xadayo markuu xadayo asiga oo mumin ah ,man cabayo khamrada  markuu cabayo asiga oo mumin ah .


 

Rukniga koowaad

Rumenta Alle caza wajalla

 

(1)-TAXQIIJINTIISA :

waxuu ku sugmayaa iimaanka alle waxyaabaha soo socdo :

KOOW/ Rumenta in ow konkaan leeyahay hal rabbi oo kali u ah abuuritaankiisa iyo lahaantiisa iyo daberi taankiisa iyo kala wadida umuurihiisa arsaqad hanoqoto ama awood ama noolen ama dilid, ama dheef ama dhib,  leheena koonkaan rabi kale , wuxuu doono ayuu kaligii sameynayaa wuxuu doono ayuuna xukmiyaa, qofkuu doono ayuu ciseyaa, qofkuu doonana waa duleeyaa,cirka iyo dhulkuna xukunkiisa ayay ku jiraan, asiga ayaana wax walba awoodo wax walbana og kana kaaftoon wixi asiga kasoo hara, amarka oo dhana asiga ayaa leh, kherka oo dhana gacantiisa ayuu ku jiraa ,wadaag falalkiisa la wadaagayana  majiro, ruux awoodiisa ka baxsanna  majiro , iskaba dhaaf taase abuurka oo dhan oy kamid yihiin malaaikta iyo dadka iyo jiniga adoomo ayay asiga u yihiin, kama baxayaan boqortooyadiisa iyo awoodiisa iyo rabitaankiisa,falalkiisana lama koobi karo oo tiro makoobi karto,tilmaamahaas oo dhan kaligii ayaa iskaleh ,wax la wadaagana malaha , mana istaahilo qof aan asiga eheyn mana banaano in loo tiiriyo ama loo sugo wax kamid ah falalkiisa cid aan  asiga eheyn.

[arabic-font]قال تعالى  :[/arabic-font]

[arabic-font] [سورة البقرة: الآيتان 21 ، 22].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:”war dadow caabuda rabigiini idin abuuray adinka iyo kuwi idinka horreyay, waxaadna mudantihiin in aad alle ka dhowrsataan”

[arabic-font]قال تعالى :[/arabic-font]

[arabic-font] [سورة آل عمران، الآية: 26].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:” waxaad dhahdaa allahayow xukunka adigaa leh , waxaad siisaa xukunka qofkaad doonto, waadna ka qaadaa xukunka  qofkaad doonato, waxaadna ciseysaa ciddaad doonto , waxaadna dulleysaa ciddaad doonto , gacantaada ayuu kherka ku jiraa, adiga ayaana wax walba awoodo ”

[arabic-font]قال تعالى :[/arabic-font]

[arabic-font] [سورة هود، الآية: 6].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:” ma jirto daabad dhulka ku sugan illaa risiqeeda alle dul saaranyahay maahane , ogyahayna meesha ay ku hoyan iyo meesha ay ku dhiman , dhamaanna kitaab cad ayay ku suganyihiin ”

[arabic-font]قال تعالى :[/arabic-font]

[arabic-font][سورة الأعراف، الآية: 54].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:”war hoy abuurka iyo amarka allow u sugnaaday , barakoobay oo weynaayay barabaariyaha caalamka  ”

LABO/ Rumenta in uu alle kaligii leeyahay magacda kuwa ugu wanaagsan iyo sifaadka kuwa ugu dhamestiran , kuwaas uu qaarkod ku baray adoomanka kitaabkiisa ama sunada nabigiisa ha ahaato dushiisa naxariis alle iyo nabad gelyo

[arabic-font]قال تعالى :[/arabic-font]

[arabic-font][سورة الأعراف، الآية: 180].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:”alle waxaa u sugnaaday magacyo wanaag badan ee ku barya , kana taga kuwa qaloocinayo magacdiisa waxaana lagu abaal marin doonaa waxa ey camal faleen”

[arabic-font]وقال صلى الله عليه وسلم:(إن لله تسعة وتسعين اسما من أحصاها دخل الجنة وهو وتر يحب الوتر)متفق عليه[/arabic-font]

xadiisku macnahiisu waa : alle waxaa u sugnaaday sagaal iyo sagaashan magac ,qofki kooba oo ku camal falo janaduu galay,asigana waa hal oo tirada is dheer ayuu jecelyahay ”

Ictiqaadkan waxaa asal u ah labo asal oo waaweyn :

(1) – Alle wuxuu leyahay magacda wanaagsan iyo sifaatka sarreeya oo dhamestiran, manajirto cid la wadaagto alle magacdiisa iyo sifaadkiisa oo khalqigiisa ka mid ah .

magacdiisana waxa kamid ah (الحي)”noole” waxaana u sugnaaday sifada nolosha, taas oo waajib ah in loogu sugo wajiga ugu dhamestiran oo ku habon asiga, noloshaasna waa nolol dhamestiran oo joogto ah waxaana ku kulmay cilmi iyo awood iyo wax yaaba kale, nolosha allana billaw hore iyo dhamaad danbe ma laha.

[arabic-font]قال تعالى :[/arabic-font]

[arabic-font][سورة البقرة، الآية: 255].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:”alle maahane ilaah akle oo xaq lagu caabudo  ma jiro waana kan nool oo u istaagsana maamulka khalqiga , maqabto lilmo iyo hurdaba ”

(2) – Alle wuu ka dahirsanyahay sifadka dhiman oo ceebta ah sidoodaba, sida: hurdo iyo awaod la aan iyo jahli iyo gardarro iyo waxa lamidka ah,allana la mid ma’ahan adomankiisa.

waxaa waajib ah marka in alle laga reebo wax walba uu naftiisa ka reebay iyo waxa uu karebay rasuulka -ha ahato naxariis alle  iyo nabadi dushiisa- rabigiis, lana rumeyo in ilaahey ku sifeysanyahay sifaadka dhamestiran lagana reebo kuwa ka horjeeda oo ah sifaadka xunxun.

[arabic-font]قال تعالى :[/arabic-font]

[arabic-font]سورة الشورى،الآية: 11].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:” majiro wax isaga la mid ah  waana maqle arag badan ”

[arabic-font]قال تعالى :[/arabic-font]

[arabic-font][سورة فصلت، الآية: 46].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:” ma aha raabigaada mid dulmi badan adoomanka ”

[arabic-font]قال تعالى :[/arabic-font]

[arabic-font] [سورة فاطر، الآية: 44].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:”ma aheyn alle mid ay caajis geliyaan wax samooyinka iyo dhulka ku sugnaaday”

[arabic-font]قال تعالى :[/arabic-font]

[arabic-font] [سورة مريم، الآية: 64].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:” me eheen rabigaa mid hilmaan badan”

Rumenta magacda alle iyo sifaadkiisa iyo ficiladiisa, waa jidka kaliya oo alle lagu garan karo laguna caabudi karo sababtuna waxa waaye: alle oo kaqariyay khalqiga inta ey nolosha aduunyo  jogaan in ay asiga  indhaha ku arkaan laakin wuxuu u furay albabkan aqoneed oo ey ku garankaraan rabigoda iyo key cabudayaan wexeyna ku cabudayaan sida ay tahay aqontaas saxiixa ah .

ruuxi alle sifaadkiisa oo dhan inkirayna wuxuu caabudayaa wax aan jirin, kan alle kumetelay adoomankiisana wuxuu caabudayaa sanam.  muslimkana wuxuu caabaudayaa allaha kaliga ah oo loo qasdo waxna la weydiisto,oo dhalin lana dhalin,mana ahaanin qof la mid ah.

Marka loo sugayo alle magacdiisa suuban waa in la ilaaliyo umuuraha soosocdo :

(1) – in loo sugo alle dhamaan magacda ku soo aroortay quraanka iyo sunada, looguna sugo siday ku soo aroortay iyadoo waxna lagu dareen waxna laga dhimeen.

[arabic-font]قال تعالى :[/arabic-font]

[arabic-font]  [سورة الحشر، الآية: 23].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:”isaga waa allihi uusan jirin ilaah xaq lugu caabudo asiga maahane  ,waa boqor daahir ah nabadgeliye ah , rumeeye ah , wax walbana hesta , guuleste ah ,awood iyo kibir badan,waana kanasahanyahay waxa ey la wadaajinayaan ”

[arabic-font]وثبت في السنة أن النبي صلى الله عليه وسلم سمع رجلا يقول:اللهم إني اسالك بأن لك الحمد لا إله إلا أنت المنان، بديع السموات والارض،يا ذا الجلال والإكرام، يا الحي يا القيوم . فقال النبي صلى الله عليه وسلم تدرون بما دعا الله ؟ قالوا الله ورسوله أعلم ، قال : والذي نفسي بيده لقد دعا الله باسمه الاعظم الذي إذا دعي به أجاب وإذا سئل به أعطى )[/arabic-font]

[arabic-font]رواه أبو داود وأحمد[/arabic-font]

Waxaa ku sugnaaday sunada nabiga -naxariis alle iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee- in uu  maqlay nin dhahayo : allow waxankugu weydiisanayaa in ey mahadda adiga kuu sugnaatay ilaah kale oo xaq lagu caabudana  uusan jirin adiga mooyaane,galadeysiga  badnaay,abuuray samooyinka iyo dhulka, weynaay oo sharafta lahaay noolaay oo u istaagsanaay umuraha khalqiga .

Markaas buu nabiga yiri : mataqaanaan waxa uu alle ku barayay ? markaasey dheheen saxaabadi : alle iyo rasuulkiisa ayaa og. Markaasuu yiri: waxaan ku dhaarta kii gacantiisa nafteyda kujirtaye wuxuu alle ku baryay magaciisi waynaay oo hadii lagu baryo ajibo hadii lagu waydiistana siiyo) waxaa wariyay abuu dawuud iyo axmad .

(2) – Rumenta in uu alle asiga isku magacaabay magacdaan kuna magacaabin qof khalqigiisa ka mid ah asiga ayaana naftiisa ku amaanay magacdaas,mana aha wax cusub oo la abuuray.

(3) – Rumeenta magacda alle in ay kutuseyso macno aad u dhamestiran oo naqsi ku jirin waji walba,waxaana waajiba in la rumeyo  macnaha ay kutuseyso sida ay waajib u tahay in larumeyo magacdaas .

(4) – Waxaa waajiba in la ixtiraamo macnaha magacdaas ey leedahay lana bedelin lana cadilin

(5) – Rumenta waxa ka waajib naqanaya magac walba oo magacdaas kamid ah oo axkaam ah iyo waxa kataratub mayo oo falal ah .

Si ay u cadaato shanta arrimood oo lasoo dhaafay waxaan tusaalo ahaan u soo qaadanaynaa magaca alle oo ah (السميع)”maql badne” waxaana waajib ah in aad rumeyso  waxyaabaha soo socdo:

(A)- rumenta in uu suganyahay magaca “maqle” yahayna magac kamid ah magacda alle  maxaa yeelay waxuu ku sugnaaday quraanka iyo sunada

(B) – rumenta in uu alle asiga naftisa ku magacaabay magacaas,kuna dhawaaqay, kuna soo dejiyay kitaabkiisa .

(T)- rumenta in uu magaca “maqle” kutusayo sifada “maqalka” tahayna sifo ka tirsan  sifadkiisa.

(J) – Waxaa waajiba in la ixtiraamo sifada “maqalka” oo uu ku tusayo magaca “maqle” lana bedelin macneheeda lana cadilin.

(KH) – Rumenta in uu alle maqlo wax walba maqalkiisuna waasic u naqday hadalada oo dhan iyo in la rumeyo waxa kataratub mayo arrinkaas oo ah alle oo leska ilaaliyo lagana cabsado lana yaqiinsado alle inaysan waxba kaqarsooneyn .

Waxaa kaloo wajib ah in la ilaaliyo marka lasugayo sifaadka alle waxybaaha soosocdo:-

(1)- sugida sifaadka ku soo arooray quraanka iyo sunada iyadoo waxba laga bedeleyn lana cadileyn.

(2) – In laictiqaado ictiqaad goan alle inuu ku sifeysan yahay sifaad dhamestiran , lagana nazaho sifa walba oo dhiman ama ceeb ah .

(3) – In ay sifaadka alle lamid eheyn sifaadka makhluuqa , maxaa yeelay majiraan wax alle lamid ah sifaadkiisa hanoqoto ama falalkiisa

[arabic-font]قال تعالى :[/arabic-font]

[arabic-font]  [سورة الشورى، الآية: 11].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:”majiro wax isaga la mid ah waana maqalbadane arag badan”

(4) – In laga quuston in la ogaado keyfiyada ay sifadaas u taalo maxaa yeelay ma ogo sifada alle sida ay u taal cid aan asiga aheyn.

(5) – rumenta waxa kataratub mayo sifaadkaas oo axkaam ah .

Si aan u cadeyno arrimaha shanta ah oo lasoo dhaafay waxaan tusaalo ahaan u soo qaadanay- naa sifada (الاستواء)”alle in uu carshigiisaka sare- eyo” waxaana waajiba ah  sifadaan marka lasugayo in lailaaliyo arrimaha soo socdo :-

(A)- in la rumeeyo alle in uu carshigiisa ka sara maray,waxaana taas daliil u ah aayaddan:

 

[arabic-font]قال تعالى :[/arabic-font]

[arabic-font][سورة طه، الآية: 5].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:”raxmaanki carshiga ayuu ka kor maray ”

(B) – In loo sugo sifada istawaha alle sida ugu dhamestiran oo alle ku habboon macnaheeduna waa : sarreynta alle uu ka sara maray carshigiisa si xaqiiqa ah oo ku habboon weyninkisa iyo ka kaaftoonkiisa .

(T) –ka kor marida alle carshiga la mis maaha ka kor marida khalqiga , maxaa yeelay alle wuu ka kaaftoomaa carshiga umana baahno,khalqigase wax walb uu ka kor maro waa u baahanyahay.

waxaana u daliila aayaddan:

[arabic-font]قال تعالى :[/arabic-font]

[arabic-font][سورة الشورى، الآية: 11].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:”majiro wax isaga la mid ah,waana maqle arag badan ”

(J) – In aan laga hadlin sida ow alle ugu dulmaray carshiga maxaa yeelay waa arrin aan ogaal loo leheyn alle maahane cidkalana ma oga.

(X) – Rumenta xukunka ka taratub mayo arrinkaas oo ah in loo sugo alle weynin iyo isla weynin ku haboon asiga,iyo quluubta oo u  jeesato asiga xaga sare, siduu dhahayaba qofka sujuudsan

[arabic-font](سبحا ربي الاعلى)[/arabic-font]

waxaa nasahan oo ka hufan rabigeygi sarreyay.

SADEX /  rumenta adoonka in uu alle yahay ilaahi xaqa ahaay,oo kaligii xaq ulahaay cibaadada oo dhan kuwa muuqda iyo kuwa qarsoon.

[arabic-font]قال تعالى :[/arabic-font]

[arabic-font] [سورة النحل، الآية: 36].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:”waxaan soo saarnay umad walba dhexdeeda rasuul in alle ay caabudaan daaquutkana ka fogaadaan ”

Mana jiro rasuul qoomkisa aan ku dhihin

[arabic-font]قال تعالى :[/arabic-font]

[arabic-font] [سورة الأعراف، الآية: 59].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:”caabuda alle malihidina ilaah  aan asiga eheene ”

[arabic-font]قال تعالى :[/arabic-font]

[arabic-font]  [سورة البينة، الآية: 5].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:” lama farin in ay caabudaan alle mooyaane,ayaga oo kali yeelaayo diinta , toosanna ”

[arabic-font]وفي الصحيحين أن النبي صلى الله عليه وسلم قال لمعاذ 🙁 أتدري ما حق الله على العباد وما حق العباد على الله ؟. قلت : الله ورسوله اعلم .قال : حق الله على العباد ان يعبدوه ولا يشركوا به شيئا ، وحق العباد على الله ألا يعذب من لا يشرك به شيئا)[/arabic-font]

Waxaa ku soo arooray saxiixenka in uu nabiga ku yiri mucaad : mataqaan xaqa alle kuleyahay adoomanka iyo xaqa ay adoomanka ku leeyihiin alle ?waxan iri : alle iyo  rasuulkiisa ayaa og. Markaa buu nabiga yiri : xaqa alle uu adomanka ku leeyahay waa in ay caabudaan waxna lawadaajin,xaqa adoomanka ay alle kuleeyihiina waa  inuusan cadaabin ruux aan waxba la wadaajin ).

allaha xaqa ahna waa : kan ay quluubtu caabudo kana buuxiso jeceelkiisa jeceelkla asiga waxa kasoo haray,kagana kaaftoonto rajentiisa rajada cid kale, kagana deeqtoonto weydiintiisa iyo kaalmadiisa iyo cabsidiisa asiga cid aan eheyn.

[arabic-font]قال تعالى :[/arabic-font]

[arabic-font][سورة الحج، الآية: 62].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:”kaasi waxaa ugu wacan in alle asiga xaq yahay , waxa ay caabudayaan sokodiisna  baadil yahay , allana asigaa sareeye weyn ah ”

Kaasna waa u kaliyeelka alle falalka adoomanka .

  Ahamiyada towxiidka :-

Waxaa kuu cadeynayo ahamiyada towxiidka waxyaabaha soo socdo:-

(1) – Towxiidka waa waxa ugu horreeyo diinta uguna danbeeyo ahna diinta  dusheeda iyo gudeheeda,waana waxey u  yeereen rusushi alle uu soo diray -nabad gelyo dushooda ha ahaatee-.

(2) – Towxiidkaan dartiis ayuualle khalqiga u uumay rusushana u soo diray kutubtana u soo dejiyay , asiga dartiis ayay dadkana isku khilaafeen oy u qeebsameen kuwa rumeeyay iyo gaalo,kuwa liibaanay iyo kuwo halaagmay.

(3) – Waa waxa ugu horreyo oo waajib ku ah mukalafka(waa ruuxa qaangaarka ah cudur daarna leheyn sida waalli iyo wixi la mid ah) waana waxa ugu horreyo uu kugelaayo adoon- ka islaamka iyo waxa ugu danbeeyo uu uga baxayo aduunka .

Taxqiijinta Towxiidka :-

taxqiijinta towxiidka waa: in laga saaro oo laga sifeeyo shirkiga oo dhan iyo bidaca iyo macaasida,taxqiijintaanna waa labo qeybood, mid waajiba iyo mid manduuba(waa wixi samentoodana ajir laga helaayo kategidoodana danbi aan laga qaadeyn)

Kan waajibka ah waxaa laga rabaa in laga  helo seax arrimood :-

(A) -In laga sifeeyo shirkiga burinayana towxiidka asalkiisa .

(B) – In laga saaro wixi bidaco ah oo burinayo dhamestirka towxiidka,ama burinayo asalkiisa haday bidcadu tahay bidcado gaaleyneyso qofka.

(T) – In laga saaro macaasida iyo danbiyada dhimayo ajirka laga heli lahaa towxiidka, dhibna u geysaneyso.

Kan manduubka ahna waa kan la amray amar aan waajib eheyn waxaana tusaalo u ah waxa soo socdo:-

(A) – sugida dhamestirka darajada ixsaanka.(oo ah in aad u caabuid alle adigoo arkaya oo kale, hadaadan arkeynna asigaa ku arkaya)

(B)-sugida dhamestirka dharajada yaqiinka(waana in aad si shaki la’ana u ogaato rabinimada iyo ilaahnimada alle kaliya).

(T) – sugida dhamestirka sabarka qurxoon oo ah in aadan u ashtakoon alle cid aan eheyn.

(J) –sugida  dhamestirka ku kaaftoonka  weydiinta alle,cid aan isaga eheynna waxba aadan weydiin.

(X)- Taxqiijinta darajada talasarashada oo ah kategida waxyaabaha qar oo banana sida : istirqaga iyo isgubida ugana tegtid talasarasho aad alle talo saaraneysid.

(KH)–dhamestirka darajada “المحبة التعبدية”jeceelka cibaadada oo ah in alle loogu dhawaado cibaadada naafilada ah oo waajibka aan eheyn.

Qofki u  suga towxiidka sida la soosheegay kana nabadgalo shirkiga weyn waxuu kanabad geli in uu ku waaro naar, ruuxise kana badgalo shirkiga weyn iyo kan yar, kana fogaado danbiyada waaweyn iyo macaasida waxuu lee yahay nabadgelyo buuxdo aduun iyo aakhiro .

[arabic-font]قال تعالى :[/arabic-font]

[arabic-font] [سورة النساء، الآية: 48].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye: alle ma dhaafo in lala wadaajiyo cibaadada waxuusa ka dhaafaa wixi ka soo haro ruuxow doono  ”

[arabic-font]قال تعالى :[/arabic-font]

[arabic-font] [سورة الأنعام، الآية:82].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:”kuwii rumeeyay oon ku dheehin iimaankooda dulmi (shirki) kuwaas ayay nabadgelyo u sugantahay ayagaana hanuunsana ”

Towxiidka waxaa kahorjeedo shirkiga,waana sadex qeebood :-

(A)-Shirki weyn oo burinaayo asalka towxidka.

illaheyna madhaafo in looga towba keeno maahane , qofka  dhinto isagoon katowba keenin naarta ayuu ku waaraa , waxaa waayane in ow adoonka alle u yeelo kuwa kula mid ah cibaadada , una baryayo sida uu alle u baryayo una qasdayo,talo saaranayo , rajeynayo ama jeclaado ugana cabsado sida uu alle u jecelyahay ugana cabsado .

[arabic-font]قال تعالى :[/arabic-font]

[arabic-font][سورة المائدة، الآية:72].[/arabic-font]

Macnaha aayada waxaa waaye:” ruuxi alle u sharig yeela wuxuu ka xarrimay jannada , hoygiisana waa naarta , daalimiintana uma sugnaanin gargaarayaal ”

(B)- shirki yar oo diidayo dhamestirnaanta towxiidka , waana wax walbo oo jid u ah shirkiga weyn , sida in lagu dhaarto alle waxaan  eheyn , iyo wax yar oo istustus ah oo alle dartiis loo sameynin .

(T)- shirkiga qarsoon  , waana kan ku xariirsan niyadaha iyo maqaasida , waxowna naqankaraa shirki weyn ama mid yar sida la soo dhaafay.

[arabic-font]عن محمود بن لبيد رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال 🙁 إن أخوف ما أخاف عليكم الشرك الاصغر ، قالوا : وما الشرك الاضغر ؟ قال : الرياء) رواه الإمام أحمد[/arabic-font]

Saxaabiga layiraahdo maxamud bin labiid waxuu nabiga ka wariayay In uu yiri: waxaan ugu cabsi badanahay oo aan idinkaga cabsanayo waa:shirkiga yar markaa bey wexey dheheen waa maxay shirkiga yar? Waxuu yiri : waa istuska .imaam axmad baa weriyay.

 

 

 

( 2) – CADEENTA CIBAADADA

Cibaadadu waa magac kulmiyo wax walbo uu alle jecelyahay raalina kayahay oo caqiidaa ama falalka qalbiga ama falalka xubnaha ama wax walba oo alle loogu dhawaanayo oo wax lafalayo ah ama wax laga reebtoomayo .

Waxaana soo hoos gelayo magaca cibaadada wax walba uu ku sharciyeeyay alle kitaabkiisa iyo sunnada rasuulkiisa muxamad waana cibaadooyin kala duwan , waxaa kamida qaar qalbiga la xariiro , sida arkaanta iimaanka oo lixda ah iyo cabsida iyo rajada iyo tala saarshada iyo rabida iyo wixi lamid ah , waxaa kale oo kamid ah cibaado muuqato sida : salaada iyo sakada iyo soonka iyo xajka .

Cibaadadana ma ansaxeyso hadii aan lagu salen laba arimood :-

(1)-In loo gaar yeelo cibadada alle  cidnana lala wadaajin, kan macnihiisana waa qiritaanka alle maahane alle kale oo xaq algu caabudo in uusan jirin .

قال تعالى :

[سورة الزمر، الآية:3].

 

Macnaha aayada waxaa waaye:”war hoy alle ayuu u sugnaaday diinka khaaliska ah , kuwa kayeeshay sokadiisana owliyada dhahayana : uma caabudeyno in ay noo dhaweeyaan alle moyane dhawasho , allaana kala xukmin dadka waxey isku khilaafeen , allana ma hanuuniyo qof ah beenlow gaalnimo badan”

قال تعالى :

[سورة البينة، الآية:5].

Macnaha aayada waa hor mary.

(2)-in la raaco waxa ow layimid rasuulka muxamad-naxariis alle iyo nabad dushiisa ha ahaatee- , oo ah in ow sameeyo adoonka waxa ow sameyay nabiga iyo wajiga ow u sameyay isagoon waxba ku daren waxna ka dhimeen , kana waa macnaha qiritaanka in ow muxamad rasuulki alle yahay .

قال تعالى :

[سورة آل عمران، الآية:31].

Macnaha aayada waxaa waaye:”waxad ku dhahdaa hadaad jeceshihiin alle isoo raaca alleydin jeclaanayee , idiina dhaafaya dunuubtiinna ”

قال تعالى :

[سورة الحشر، الآية:7].

Macnaha aayada waxaa waaye:” wuxuu idiinla yimid rasuulka qaata waxa uu idinka reebayna ka dhamaada ”

قال تعالى:

[سورة النساء، الآية:65].

Macnaha aayada waxaa waaye:” rabigaa baan ku dhaarane ma rumeynayaan intey kaaga dhigaan xukun waxa dhex maro,ayna ka helaan naftooda dhib waxad xakuntay , ey hogaansanmaan hogaan ”

Adoonnimada dhamestiranna waxey ku sugnaaneysaa laba arrimood :-

(KOOW)-jeceel alle oo dhameestiran,iyo jeceelka waxa uu jecelyahay,kaasoo laga hormarinayo jeceelka wax walba oo ka soo haray

(LABO)-si dhamestiran in leeskugu dulleeyo alle looguna jajabnaado,oo la fuliyo amarkiisa lagana fogaado waxuu reebay0.

Marka cibaadada waxey kulmisay jeceel dhamestiran iyo is jajabnaan iyo rajo iyo cabsi , sidaas ayayna ku sugnaaneysaa adoonimada uu u yahay adoonka rabigiis iyo uumihiisa , haduu adoonka layimaado adoonimadaas waxow gaarayaa jeceelka alle iyo raalinimadiisa, allena waxuu jecelyahay inuu adoonka ugu soo dhawaado waxa uu ku waajib yeelay oo faraaid ah, mar walbo uu adoonka badiyo cibaadada aan waajibka eheynna alle ayuu usii  dhawaadaa  kor ayayna u kacdaa darajadiisa.

arinkaasna waxow kamid yahay sababaha lagu galo jannada fadli iyo naxariis alle .

 

قال تعالى :

[سورة الأعراف، الآية:55].

Macnaha aayada waxaa waaye:”u barya rabigiin si khushuuc ah iyo qarsoodi , asiga majeclo kuwa xad gudbay”

( 3 ) – adillada kalinimada aalle

Waxyaabaha marg u ah kalinimada alle  wey badanyihiin, ruuxi u fiirsada oo maskaxdiisa ka  shaqeysiiyana wuxuu si huban u ogaanayaa kalinimada raibiga,iyo u kalinimadiisa  falalkiisa iyo magacdiisa iyo sifaadkiisa iyo ilaahnimadiisa .

Adiladaas iyo xujooyinkaas waxaa kamid ah tusaalo ahaan kuwa soo socda :-

(A)-weyninka koonkaan iyo wanaaga samentiisa iyo kala duwanaashaha uumkiisa , iyo nidaamka aadka u sugan ow ku socdo , ruux walba oo arinkaa u fiirsadana waxow ugaadaa kalinamada alle , kan u fiirsanaya abuuritaanka samooyinka iyo dhulka iyo abuurka qoraxda iyo dayaxa iyo abuurka dadka iyo xayawaanka iyo abuurka dhirta iyo jamaadka  waxow ogaanayaa si huban in uunkaan ow leeyahay mid abuuray oo u dhamestiran magacdiisa iyo sifaadkiisa iyo ilaahnimadiisa taasna wexey ku tusee in uu kaligii cibaadada mudanyahay .

قال تعالى :

[سورة الأنبياء، الآيات:31-33].

Macnaha aayada waxaa waaye:”waxaan kayeelnay dhulka sugayaal inayna la liican dadka,waxaana kayeelnay dhexdeeda(buuraha) wadooyin,waxeyna mudan yihiin in ay ku toosaan,waxaan kayeelnay samada saqaf (dabool)ilaalsan ayagna calaamooyinkeeda ayay ka jeesanayan, alle waa kan aburay habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa , mid kastana falag(wareeg) ayuu dhex dabaashaa  ”

قال تعالى :

[سورة الروم، الآية:22].

Macnaha aayada waxaa waaye:” aayadahisa waxaa kamid ah abuurka samooyinka iyo dhulka iyo kala duwanaashaha carabyadiina iyo medebbadiina  , taasina calaamad ayaa ugu sugan kuwa cilmiga leh”

(B)-Waxow alle kusoo saaray rususha oo ah sharciyada iyo waxa ow ku xoojiyay oo ah aayado iyo calaamaad iyo mucjisooyin iyo xujooyin kuwaas oo kutusayo kalinimada alle iyo in uu cibaadada kali u yahay , waxa allena u sharciyeeyay khalqigiisa oo axkaan ah waxa waye daliil cad oo ku tusayo in uusan arrinkaas sameykarin mid aan rabbi eheyn, aadna u xeeldheer,cilmi badanna u leh khalqigiisa iyo waxa u wanaagsan .

 

قال تعالى “:

[سورة الحديد، الآية:25]

Macnaha aayada waxaa waaye:” waxaan dhab ahaan ku dirny rususheyna aayado cad cad , waxaana lasoo dejinay kitaabka iyo miisaanka  si dadka ugu toosaan cadaalad  ”

قال تعالى :

[سورة الإسراء، الآية:88].

Macnaha aayada waxaa waaye:” ku dheh haday u kulmaan insiga iyo jinniga in ay layimaadaan mid la mid ah quraankaan , lama imaanayaan mid la mid ah , haday ahaadaan qaarkod kuwa u gargaara qaarka kale ”

(T)- waxaa kale oo daliil ah fidrada uu alle ku abuuray qalbiyada adoomanka,taasoo ah qiritaanka kalinimada alle , waana amar kusugan nafta , hadii uu insaanku dareemo dhib wuxuu helaa arinkaas iyo fidradaas alle ayuuna u soo noqdaa , hadow  insaanku kabadbaado shubuhaadka iyo shahawaadaka bedelaysa fidradiisa kama heleen gudaha naftiisa in ow qiro ogolaadana u kalinimada alle ilaahnimada iyo magacdiisa iyo sifaadkisa iyo falalkiisa iyo in ow ogolaado iskuna dhiibo sharcigiisa ow ku soo saaray rusushiisa    -naxariis iyo nabadgelyo alle dushooda ha yeelee- arrinkaas mooyaane wax kale kama heleen gudaha naftiisa .

قال تعالى :

 

[سورة الروم، الآيتان:30 ، 31].

Macnaha aayada waxaa waaye:”u jeedi wejigaada diinta adiga oo toosan,diintu waa fidradi alle ku dul abuuray dadka , lama bedeli karo uumida alle , kaasina waa diinka toosan, laakiin badida dadka ma ogo,ayagoo usoo noqonayo alle kana dhorsada , oogana salaadda , hana kamid naqanina gaalada  ”

[arabic-font]وقال صلى الله عليه وسلم : ( كل مولود يولد على الفطرة فأبواه يهودانه أو ينصرانه أويمجسانه ، كما تنتج البهيمة بهيمة جمعاء هل تحسون فيها من جدعاء ، ثم قرأ ” فطرت الله     التي فطر الناس عليها ” رواه البخاري.[/arabic-font]

Macnaha xadiiskana waxa waaye :ruux walbo oo la dhalo waxaa lagu dhalaa fidrada (islaamka),labadiisa waalid ayaana yahuudi kadhigayo ama nasraani ama majuus, sida ow neefkuba u dhalo neef kale oo dhamestiran maka dareemeysaan dhinac(sida gees iyo dheg) ka  goan , markaa buu kadib akhriyay:

[arabic-font]”فطرت الله التي فطر الناس عليها”[/arabic-font]

Bukhaari ayaana weriayay.

 

 

 

 

Rukniga labaad

Rumenta malaikTa

 

 

(KOW) CADEENTIISA:

rumeenta malaaikta waa : in la ictiqaado si goan in ow alle leeyahay malaaik ow ka abuuray iftiin,waxaana loo abuuray cibaadada alle,mana caasiyaan waxa uu amray , wayna sameeyaan waxa la faray, ilaahay bey nasahaan habeen iyo maailn kamana daalaan ,  tiradoodana magaraneyso alle maahane cid kale , waxuuna ku kalifay alle falal iyo shaqoyin kala duduwan .

قال تعالى :

[سورة البقرة، الآية:177].

Macnaha aayada waa soo shegnay.

قال تعالى :

[سورة البقرة، الآية:285].

Macnaha aayada waan soo sheegnay.

[arabic-font]وفي حديث جبريل المشهور لما سأل رسول الله صلى الله عليه وسلم عن الإسلام والإيمان والإحسان . قال –أي جبريل – : فأخبرني عن الإيمان .  قال- أي رسول الله صلى الله عليه وسلم – أن نتؤمن بالله وملائكته وكتبه ورسله واليوم الأخر وأن تؤمن بالقدر خيره وشره.[/arabic-font]

Xadiithki jibriil oo caanka ahaay waxaa ku sugnaaday markuuu jibriil weydiiyaya nabiga –naxariis alle iyo nabad dushiisa ha ahaatee- : iimaanka, wuxuu yiri nabiga : waa in aad rumeysid alle ,malaaiktiisa ,kutubtiisa ,rasuuladiisa,maalinta danbe ,iy in aad rumeysid qadarka kheyrkisa iyo shartiisa .

darajada ay rumenta malaikta diinyta ku leedahay iyo xukunkeeda :

Rumenta malaaikta waa rukniga labaad ee arkaanta iimaanka oo lixda ah , iimaanka adoonkana ma ansaxmayo lamina aqbalayo ruknigaa la aantiis.

  Xukunkiisa:

Waxay isku raaceen muslimiinta in rumeenta malaaikta waajib tahay, ruuxi inkira jiritaankooda, ama kuwa kamid ah kuwa uu alle sheegay  waa gaaloobay,  waxowna khilaafay kitaabka iyo sunnada .

قال تعالى :

[سورة النساء، الآية:136].

Macnaha aayadana waan soo sheegnay

  (LABO)-keyfiyada(sida)loo rumeynayo malaaikta :

Rumenta malaikta waxay u kalaqeybsantaa mid kooban iyo mid faahfaahsan:

(1)-rumeynta sida kooban ah waxaa soo hoosgelayo arrimaha soosocdo:

a- in laqiro jiritaankooda , yihiinna abuur kamid ah abuurka alle , waxuuna alle u abuuray cibaadadiisa , jiritaankoodana waa mid dhab ah , inaan arkeyninna kuma tuseyso in aysan jirin , waxaana cadeynayo arinkaas waxa yar yar oo ka buuxo koonkaan hadana aanan arkeynin.

waxaana xaqiiqa ah nabiga inuu arkay jibril asigoo sidi loo abuuray ah lba mar , asxaabta qaarkoodna waxey arkeen malaaikta qaarkeed ayagoo dad isku ekeysiiyay .

[arabic-font]فقد روى الإمام أحمد في المسند عن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قال: رأى رسول الله صلى الله عليه وسلم جبريل في صورته وله ستمائة جناح ، وكل جناح منها ق سد الأفق ))[/arabic-font]

[arabic-font]وقد ثبت في الحديث جبريل المشهور والذي رواه مسلم أن جبريل عليه السلام جاء بصورة رجل  شديد بياض الثياب شديد سواد الشعر لا يرى عليه اثر السفر ولا يعرفه أحد من الصحابة[/arabic-font]

Waxow ku wariayay immu axmad musnadkisa in ow cabdulaahi ibnu mascuud yiri : waxow arkay rasuulka jibriil asigoo sidi alle u uumay ah lehna lix boqol oo baal , baal walba oo kamid ahna cirka deday

Waxaa kale oo kusugnaaday xadiithki jibriil oo caanka ahaay oo muslim wariyay in ow jibriil kuyimid(isku ekeysiiyay) sawirka nin aad u dhar cad aadna u tima madow dushiisana ayna ka muuqanin raad safar sida boor iyo wax lamid ah,garaneyna ruux saxaabada ka mida .

(2)-in la siiyo darajadi uu alle siiyay, oo ah in ay yihiin adoomo alle, oo la amran , karaameyay , maqaamkoodana kor u qaaday u dhaweeyayna xagiisa , waxaana kamid ah qaar rusushi alle waxyiga u soo dhiibay ah iyo qaar kale , mana awoodaan waxa ow ale awoodsiiyay maahane, iyaga oo saas ah hadana uma awoodaan naftooda iyo qeerkoodba  wan- aag iyo dhib ilaahey sokadiis , sidaas darted ma bannaano in la caabudo habayaraato cibaadadaase , iskaba dhaaf in lagu tilmaamo tilmaamo rabbinimo siday  ku  andacootay oo kale  nasaaradi nabi ciise -nabad gelyo dushiisa ha ahaatee-.

قال تعالى :

[سورة الأنبياء، الآيتان:26 ، 27].

Macnaha aayada waxaa waaye:”wexey dheheen wuxuu yeeshay raxmaanki ilmo , waa ka nasahanyahay , waase adooman  la sharfay ”

[سورة التحريم، الآية:6].

Macnaha aayada waxaa waaye:” macaasi nayaan waxa uu alle amray , waxeyna sameynayaan wixi la faray ”

intaan yar oo iimankaa waxay waajib ku tahay ruux walba oo muslim ah, waxaana waajib ah rumeentiisa,barashadiisa,loogumana cudur daari maayo qofna garasho la’aanteeda.

Imaanka mufasalka ah (faah faahsan ) waxaa  sooo hoos gelayo arrimaha soo socoda:-

(1)-Maadada laga abuuray malaaikta:

alle waxuu ka abuuray malaaikta iftiin sida uu uga abuuray jiniga dab, bini aadankana dhoob , abuuruitaanka malaaiktana waxow ahaay kahor inta aan la aburin aadan-nabad gelyo dushisa ha ahaatee-.

[arabic-font]وقد جاء في الحديث ” خلقت الملائكة من نور ، وخلق الجان من مارج من نار ، وخلق آدم مما وصف لكم ” رواه مسلم .[/arabic-font]

Waxaa ku yimid xadiithka:waxaa laga abuuray malaikta iftiin , jinnigana oloka naarta , aadana waxa laga abuuray waxa leydiin tilmaamay”.

(2)-tirada malaaikta :

malaaikta waa uun owna koobi Karin tiradooda alle maahane ruux kale, samadana kuma taal meel afar farood u dhiganto illaa uu dul yahay malak sujud san ama istaagsan maahane, sidoo kale guriga lyiraahdo baytl macmuur(gurigi camiran) oo ku yaal samada todobaad waxaa galo maalin walba todobo kun oo malak , kuna soo naqamaayo mar danbe tiro darteed,maalinta qiyaamana waxaa lakeenaa naarta iyadoo leh todoba kun oo hogaan , hogaan walbana waxaa jidayo todobaatan kun oo malak .

قال تعالى :

[سورة المدثر، الآية:31].

Macnaha aayada waxaa waaye:” ma ogo askarta rabigaa asiga maahane cid kale  ”

[arabic-font]وجاء في الجديث أنه صلى الله عليه وسلم قال : (( أطَت السماء وحق لها أن تئط ، ما فيها موضع قدم إلا وفيه ملك ساجد وراكع))[/arabic-font]

Waxaa xadiis ku soo arooray in ow nabiga yiri : ( samadin ayaa hadashay(buuxid ay buuxdo darteed) xaq ayay u eedahay in ay qeylido , meel lug la dhigo kuma taal illaa mahane ow malak sujuud sanyahay ama rukuc sanyahay .

[arabic-font]وقال صلى الله عليه وسلم عن البيت المعمور 🙁  يدخله في كل يوم سبعون الف ملك لا يعودون إليه ) رواه البخاري ومسلم[/arabic-font]

Nabigana wuxuu yiri asiga oo ka waramaya beytulmacmuurka:waxaa gelayo maalin walbatodobaatan kun oo malak dibna ugu soo noqon maayaan .bukhaari iyo muslim ayaa weriayay .

[arabic-font]وقال صلى الله عليه وسلم: ( يؤتى بجهنم يومئذ لها سبعون الف زمام ، مع كل زمام سبعون ألف ملك ) رواه مسلم[/arabic-font]

Waxaa kale uu sheegay nabiga : in  lakeeni dono jahannamo maalinta qiyaamo iyadoo leh todobaatan kun oo hogaan , hogaan walbana ay todobaatan kun oo malak lajoogto .

Halkaanna waxaa nooga cadaday badida malaaikta,kuwaaas aan soo dhaafnay-tusaalo ahaan- waxey gaarayaan afarkun iyo sagaal boqoloo malyan oo malyan.

waxaana nazahan oo ka hufan ceeb walba allihi uumay koobayna tiradooda .

(3)- magacda malaaikta :

waxaa waajib ah rumenta kuwa ow alle noogu magacaabay quraanka, ama ow nogu magacaabay rasuulkiisa sunnada oo malaikta ah , kuwa ugu waweyna waa sedax:

(koow)-jibriil, ama jabraaiil , waana ruuxul quduska ku soo dejiyo rasuulada alle  waxyiga ah nolosha qalbiga.

(Labo)- miikaaiil , ama miikaal , ahna kan loo wakiishay roobka ah nolosha dhulka waxuuna u hogaamiyaa halki alle amro .

(Sadex)- israfiil , waxuuna wakiil kayahay afuufka boonka isagoo ogeysiinayo in ay dhamaatay noloshi aduunyo bilaabatayna noloshi aakhiro ……

(4)- tilmaanta malaaikta :

malaaiktu waa abuur jiro oo xaqiiqa ah , wexey leeyihiin jirar xaqiiqa ah , iyo sifooyin akhlaaqda ah  iyo sida loo abuuray, waxaana ka mid ah sifaadkaas :

(A)-Weyninka abuurkooda , iyo weyninka jirkooda :

alle waxuu abuuray malaaikta ayagoo jirar  waa weyn oo adag leh , oo ku haboon falalka waa weyn uu alle uga wakiishay samooyinka iyo dhulka .

(B)Wexey leeyihiin baalal : waxuu u abuuray alle malaaikt baalal labo labo iyo sadex sadex iyo afar afar,iyo kabadan, sida uu u arkayba  rasuulka jibriil asigoo sidi loo abuuray ah oo leh lix boqol oo baal , oo cirka dhan xiray .

 

قال تعالى :

[سورة فاطر، الآية:1].

Macnaha aayada waxaa waaye:” waxaa mahad  leh allihi uumay samooyinka iyo dhulka kayeelayna malaaikta rusul leh baalal labo labo iyo sadex sadex iyo afar afar , wuuna ku siyaadiyaa khalqiga wuxuu doono wax walbana alle wa awoodaa  ”

(T)- malaaikta uma baahno cunno iyo cabitaan oo allaa abuuray aygoo u baaheyn cunno iyo cabitaan mana guursadaan mana bataan.

(j)-malaaiktu caqli bey leeyihiin iyo qalbi, ilaahey bey lahadleen allena wuu la hadalyay, aadaam bey lahadleen iyo anbiyada kale .

(x)- waxey awoodaan in ay isku ekeysiiyaan sawir an koodi dhabta eheyn: alle waxow siiyay malaaikta awood ay isugu ekeysiin karaan kuwa labka ah oo dadka ka tirsan, arinkaanna waxuu burinayaa waxa ey wathaniyiinta ku andacoodeen oo ah in ey malaaiktu tahay gabdhihi alle .

mana ogin sida ay isugu ekeensiinayaan malaaiktu dadka laakiin waxaa jirta in ay si aad ugu eg isugu ekeysiiyaan, oo lakala saari kareen iyaga iyo dadka ay isku ekeysiinayaan.

(d)-dhimashada malaaikta : malaaikta wey dhimanayaan dhamaantood maalinta qiyaamo xataa malaga dhimashada, kadib baa hadana lasoo saarayaa si ay u qabtaan falalki alle u wakiishay .

(r)- cibaadada malaaikta : malaaiktu waxey ku caabudaan alle, cibadooyin ey kamid tahay : salaad , duco , tasbiixsi, rukuuc , sujuud , cabsi , jeceel , iyo kuwa kale .

tilmaanta ay cibaadadooda leedahay waxaa ka mid ah :

(1)-joogto aan daal leheen .

(2)-u kali yelid alle .

(3)-daacad alle oo joogto ah, iyo macsida oo laga fogado,alle ayaana ka ilaaliyay danbiyada

(4)- cibaado badan iyo alle oo lesku dulleeyo

قال تعالى :

[سورة الأنباء، الآية:20].

Macnaha aayada waxaa waaye:”waxey tasbiixsanayaan hlinta , ma daalayaan ”

( 5 )-acmaasha malaaikta ay qabato :

waxey qabtaan malaaikta acmaal waaweyn oo ilaahey u wakiishay , waxaana kamid ah acmaashaas:

(1)-xinbaarida carshiga .

(2)-malaga loo wakiishay ku soo dejinta waxyiga rususha .

(3)-  ilaalinta jannada iyo naarta .

(4)-kuwa lo wakiishay daruurta iyo roobka iyo dhirta .

(5)- kuwa loo wakiishay buuraha .

(6)- malaga loo wakiishay afuufida boonka .

(7)- kuwa loo wakiishay qorida acmaasha bani adanka .

(8)- kuwa loo wakiishay ilaalinta bani adanka , hadii alle amar qadarana waxuu qadaro baa dhaco.

(9)- kuwa loo wakiishay inay lajoogaan bani aadanka kheyrkana ugu yeeraan.

(10)- kuwa loo wakiishay biyaha gelayo raximka,iyo in ay insaanka ku afuufaan ruuxda, iyo qoritaanka risiqiisa iyo camalkiisa iyo in ow yahay mid hoogayo ama mid liibaanayo.

(11)- kuwa loo wakiishay in ay nafta kaqaadaan bani adanka markuu dhimanayo.

(12)- kuwa loo wakiishay in ay ku weydiiyaan dadka qubuurta dhexdeeda,iyo iyo waxa ka  taratubmayo oo ah nicmo ama cadaab.

(13)- kuwa loo wakiishay in ay gaarsiiyaan nabiga salaanta umadiisa.

Sidaas darteedna uma baahno ruuxa muslimka ah in uu safar u  galo si uu u salaamo nabiga     -naxariis alle iyo nabad dushiisa ha ahaatee- , waxaana arinkaa uga filan in uu uga weydiiyo alle meel walba uu joogo naxariis iyo nabad, malaaikta ayaana soo qaadeyso salantiisa gaarsiinna nabiga, waxaa uun loosoo safar tagaa masaajidka nabiga si loogu dukado.

Malaaiktana falal kale oo badan ayay leeyihiin  kuwa aan sheegnay ayaa ugu caansan , waxaana daliil u ah arinkaas :-

 

 

قال تعالى :

[سورة غافر، الآية:7].

Macnaha aayada waxaa waaye:”kuwa xinbaarsan carshiga iyo waxa hareerihiisa ah, waxey ku nasahayaan mahada rabigood,weyna rumeynayaan,waxeyna u danbi dhaafayaan kuwa rumeeyay  ”

قال تعالى :

[سورة البقرة، الآية:97].

Macnaha aayada waxaa waaye:”ku dheh qofki ahaa cadawga jibriil asiga ayaa qalbigaada ku soo dejiyay waxyiga idan alle”

قال تعالى :

[سورة الأنعام، الآية:93].

Macnaha aayada waxaa waaye:” hadaad arki leheed waqti ay dalimiinta ku suganyihiin sakaraatka dhimasha , malaaiktuna taageyso gacmaheeda : soo saara naftiina  ”

( 6 ) -xuquuqda ey malaikta ku leeyihiin bani adanka :

(a)- rumentooda .

(b)-jecelkooda iyo weynoontooda , iyo xusida fadligooda .

(t)-reebida caydooda, ama wax ceeb ah loo tiiriyo ama lagu jeesjeeso.

(j)- in laga fogaado waxa ey necebyihiin,nabiguna wuxuu sheegay in ay ka dhibtonayaan waxa bani aadanka ka dhibtoonayo.

Miraha laga helayo rumenta malaaikta :

(1)-taxqiijinta imaanka , oo iimaanka ma ansaxayo illaa ayaga laga rumeeyo .

(2)-in la ogaado weyninka allihi abuuray iyo awoodiisa iyo xukunkiisa,weyninka abuurkana wexuu kutusayaa weyninka abuuraha ..

(3)-iimaanka ku kordhayo qalbiga muslimka markuu ogaado tilmaamaha malaaikta iyo axwashooda iyo shaqadooda .

(4)-nabad iyo xasillooni ay helayan mumininta markuu alle kusugayo malaaikta .

(5)- malaaikta oo la jeclaado wexey sameeyeen darteed oo cibaadaad ah,iyo danbi dhaafka ay u u weydiiyaan muminiinta.

(6)-naceebka falalka xun iyo macaasida .

(7)- alle in loogu mahdiyo daryeelka uu daryeelay adoomankiisa , kan yeelay malaaikta qaarked kuwa ilaaliyo adoomanka qorana acmaashooda , iyo waxyaaba kale oo danahooda ah .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Rukniga sedaxaad

Rumeenta kutubta

 

Rumeenta kutubta alle kusoodejiyay rusushiisa -naxariis iyo nabad dushoda ha ahaatee- waa rukniga sadexaad ee arkaanta iimaanka.

allena rusul ayuu ku soo diray aayada cad cad kutubna waa kusoo dejiyay,naxaris uu u naxariisanayo khalqiga hanuun owgeed, si ay u helaan libaan aduunyo iyo mid aakhiro , una ahaato jid ay ku socdaan, iyo si ow u noqdo mid u kala xakmiyo dadka waxa ay isku khilaafaan .

قال تعالى :

[سورة الحديد، الآية:25].

Macnaha aayadana waa lasoo maray.

قال تعالى :

[سورة البقرة، الآية:213].

Macnaha aayada waxaa waaye:” dadka wexey ahaayeen umad kaliya allaana soo saaray nabiyo bishaareeyo digana, wuxuuna la soo dejiyay kitaabka xaq ahaan, si uu u kala xukmiyo dadka dhexdoda wexey isku khilaafaan”

 (1)- xaqiiqada rumeenta kutubta :

rumenta ktubta waa: in aad si goan u rumayso in alle ow leeyahay kutub uu ku soo dejiyay rusushiisa , waana hadalkisi oo dhab ah , waana nuur iyo hanuun , waxey ka koobantahayna waa xaq iyo run iyo cadaalad waajib ah in laraaco laguna camalfalo , mana garanayo cadadkooda alle moyaane ruux kale .

قال تعالى :

[سورة النساء، الآية:164].

Macnaha aayada waxaa waaye:” waxuu la hadlay alle muuse la hadal”

قال تعالى :

[سورة التوبة، الآية:6].

Macnaha aayada waxaa waaye:”hadii ruux mushrikiinta ka tirsn uu ku megan galyo weydiisto,megangelyeey si uu u maqlo hadalka alle ”

 (2)- Xukunka rumeenta kutubta :

Waxaa waajib ah rumeenta dhamaan kutubta alle rusushiisa ku soo dejiyay,allena-barakoobay  oo sareeyee- asiga ayaa si dhab ah   ugu hadlay , waana lasoo dejiyay ee lama abuurin , qofki inkirana asiga oo og ama inkira qaar ka mid ah waa gaaloobay .

قال تعالى :

[سورة النساء، الآية:136].

Macnaha aayada waxaa waaye:” kuwi rumeeyow rumeeya alle iyo rasuulkisa iyo kitaabka uu ku  soo dejiyay rasuulkiisa iyo kitaabki uu soo dejiyay ka hor , ruuxi ku gaaloobo alle iyo malaaiktiisa iyo kutubtiisa iyo rusushiisa iyo maalinta aakhiro waa baadiyobay baadi fog”

قال تعالى :

[سورة الأنعام، الآية:155].

Macnaha aayada waxaa waaye:” kani waa kitaab aan soo dejinay barakeysan ee raaca baqana waxaad mudantihiin in leydiin naxariisto”

(3)- baahida ay u qabaan dadka soo dejinta kutubta iyo xikmada ku jirta soo dejinteeda

(koow)- si ow u noqdo kitaabka lagu soo dejiyay rasuulka kii ay u noqon leheed ummada  si ay u ogaadaan diintooda.

(labo)- si uu u noqdo kitaabka lagu soo dejiyay rasuulka caadilka u kal  xakumi umadiisa  waxa ey isku khilaafaan.

(Sadex)- si uu u noqdo kitaabka la soo dejiyay kan ilaaliyo diinta dhimashada  nabiga ka dib meel walba iyo waqti walba sida uu xaalka dacwada nabigeena yahayba.

(Affar) – si ay u noqoto kutubtaan xujadi alle oo khalqigiisa kor ahaatay , ma khilaafi karaan mana kabixi karaan .

قال تعالى :

[سورة البقرة، الآية:213].

Macnaha aayada waa la soo maray.

(4)- sida loo rumeynayo kutubta :

Rumenta kutubta waa mid si guud ahaana  iyo mid  faahfaahsan:

tan guud waa :  rumeenta in alle kutub ku soo dejiyay rusushiisa naxariis iyo nabad dushooda allaha yeelee.

Mida faahfaahsanna waa in aad rumeysid kutubta uu alle ku magacaabay quraankisa , waxaana ka ogaanay kuwaas : quraanka , towraat , zabuur , injiil , suxufti ibrahiin iyo muuse,iyo in aad rumeysid in ow alle leeyahay kutub kale ow ku soo dejiyaya anbiyadiisa , mana yaqaano magacdooda iyo turadoodaba allihi soo dejiyay  maahane ruux kale.

Kutubtaas oo dhanna waxaa loo soo dejiyay si ay u xaqiijiso u kali yeelida alle cibaadada iyo camalka wanaagsan iyo in la reebo shirkiga iyo fasaadida dhulka,dacwada nabiyada asalkeedu waa hal kaliya haba isku khilaafaane shareecada iyo axkaanta .

rumeenta kutubti hore waa qirdda  in lagu soodejiyay rusushi hore , rumenta qraankuna waa qiridiisa iyo raacida waxa dhexdiisa ahaaday.

قال تعالى :

[سورة البقرة، الآية:285].

Macnaha aayada waan soo sheegnay.

قال تعالى:

[سورة الأعراف، الآية:3].

Macnaha aayada waxaa waaye:” raaca waxa leydiinkaga soo dejiyay xaga rabigiin , hana raacinina sokadiis owliyo ”

Quraankuna wuxuu kaga duwanyahay kutubti hore waxyaabaha soo socdo:-

(a)-wuxuu mucjiso ku yahay eraygiisa iyo macnihiisa iyo waxa ku sugnaaday oo ku saabsan koonka iyo cilmiga.

(b)-waa kii ugu danbeeyay kutubti lagasoo dejiyay samada, waxaana lagu khatimay kutubti sida loogu khatimay nabigeena nabiyada ..

(t)-alle ayaa kafaala qaaday ka ilaalintiisa in la leexiyo ama wax laga bedelo,taasna wuxuu uga duwanyahay kutubti hore oo leexid iyo bedelba ku dhacay .

(j)- waa mid rumeeyay wixi ka horeeyay oo kutub ah,xaakimna dushooda ku ah iyo marqaati .

(x)-waana mid nasakhay(tirtiray)kutubti ka horeysay oo dhan.

قال تعالى :

[سورة يوسف، الآية:111].

Macnaha aayada waxaa waaye:”ma eheyn sheeko been abuur ah laakiin waa rumen wixi ka horeeyay , iyo cadenta wax kasta , iyo hanuun iyo naxariis qoomki rumeeyay”

( 5 ) –  aqbalida akhbaarta kutubti hare :

waxaan ognahay si dhab ah in ay yihin wixi akhbaara oo ku yimid kutubti hore ahna waxyi alle u waxyooday rusushiisa in ay yihiin xaq oo shaki ku jirin.

arintaasna ma aha macnihiisu in aan aqbalno waxa ku yaal kutubta hada ahlu kitaabka haayaan,maxaa yeelay waa la leexiyay waana labedelay,baaqina kuma ahaanin siduu alle  kusoo dejiyay.

Waxaan ka ogaanay kutubti horana waxaa kamid ah waxa uu alle noogu sheegay quraanka oo ah in ay nafu denbi nafkale qaadeyn,insaankuna malaha wax uu u camalfalay  maahane wax kale , camalkiisana waa la arki doonaa , kadibna waxaa loga abaal mari doonaa si buuxdo .

قال تعالى :

[سورة النجم، الآيات:36-41].

Macnaha aayada waxaa waaye:” miyaan looga waraminin wixii suxufti muuse ku yiilay , iyo kuwi ibraahim kii oofiyay , in aysan naïf danbi nafkale qadeyn , ruuxna wuxuusan camalfalin uusan leheyn, camalkiisana la arki doono , kadibna looga abaal marin doono si buuxda ”

قال تعالى:

[سورة الأعلى، الآيات:16-19].

Macnaha aayada waxaa waaye:”iskaba dhaafe waxaad dooraneysaan noloshi sokeysay, aakhiro ayaana kher badan baaqina ah, arintaaasna wexey ku sugantahay suxufti hare , suxufti ibraahin iyo muuse”

Xukunka wixi axkaamahaay oo ku soo arooray kutubti hore :

Waxa kusugan quraanka waxaa waajib ah in aan ku cibaadeysano kuna camal falno, kutubti horase waxa kusoo arooray waan eegeynaa  hadey khilaafsanyihiin shareecadeena kuma camalfaleyno, sababtuna ma ahan inuu  baadil yahay,ee waxaa lagu bedelay shareecadeena, hadii uu waafaqo shareecadeenana waa xaq oo shareecadeena ayaa natusi inuu sax yahay.

( 6 )–kutubta samaawiga ah oo ku soo aroortay quraanka iyo sunnada , waa :-

(1)- quraanka kariimka ah :

waana hadalki alle uu kusoo dejiyay muxamed –naxariis alle iyo nabad dushiisa ha ahaatee- khaatamki(ugu danbeeyay) rususha iyo anbiyada,waana kii ugu danbeeyay kutubta lasoo dejiyay , ilaahey ayaana kafaala qaday ka ilaalintiisa bedelid iyo leexid,waxuuna kadhigay mid nasakho kutubti horo .

قال تعالى :

[سورة الحجر، الآية:9].

Macnaha aayada waxaa waaye:”anaga ayaa soo dejinay dikriga (quraanka) anaga ayaana ilaaliyayaal u ah ”

قال تعالى:

[سورة المائدة، الآية:48].

Macnaha aayada waxaa waaye:”waxaan kuugu soo dejinay kitaabka xaq , rumeynayana wixi hortiisa ahaay oo kutub ah, ilaaliyana u ah , ku xakun dhexdooda waxa  alle kuu soo dejiyay”

(2)- towraat :

waa kiaabki alle kusoo dejiyay muuse – dushiisa ha ahaato nabade – waxuuna kayeelay hanuun iyo nuur uu ku xakumayo anbiyada reer banii israaiil iyo culimadooda .

towraatka waajibka ah in larumeeyo waa kii alle ku soodejiyay nabi muuse,ee ma aha towraatka bedelan oy ahlu kitaabka manta heestaan .

قال تعالى :

[سورة المائدة، الآية:44].

Macnaha aayada waxaa waaye:”anaga ayaa towraat soo dejinay dhexdeedana waxaa ahaaday hanuun iyo nuur ey ku xakumayaan nabiyadi islaamay kuwa yahuudoobay, rabaaniyiinta(kuwa kulmiyay cilmi iyo cibaado badan ama culimada ku tarbiyaynayo cilmiga kiisa fudud ka hor kaiisa adag) iyo culimadooda(waxey ayagana ku xakumayaan) wixi la ilaashaday oo kitaabki alle ka mid ah ”

(3)-  injiil :

waa kitaabki alle ku soo dejiyay ciise -nabadi dushiisa ha ahaatee- si xaq ah rumeeynayana wixi kahorreyay oo kutub ah .

injiilka waajibka ah in la rumeeyana waa kii alle uu ku so dejiyay ciise asalkiisana sax yahay ee ma aha kan hadda yaal.

قال تعالى :

[سورة المائدة، الآية:46].

Macnaha aayada waxaa waaye:”waxaan raacsiinay raadki ciise asigoo rumeynayo wixi labadiisa gacmood hor ahaaday oo towraat ah, waxaana siinay injiil oo dhexdiisa ah hanuun iyo nuur iyo rumen wixi kahoreeyay oo towrat ah iyo hanuun iyo waano u sugnaatay kuwa dhorsaday”

Wax yaabaha ku yimid towraat iyo injiil waxa kamid ah ku bishhrenta risaalada nabigeena muxamad-naxariis alle iyo nabadi dushisa ha ahatee-

قال تعالى :

[سورة الأعراف، الآية:157].

Macnaha aayada waxaa waaye:” kuwa raacaya rasuulka nabiga ah ee umigaa oo ey kahelayaan qoraalkiisa aktooda towraat dhexdeeda iyo injiil, wuxuu amrayaa wanaag wuxuuna ka reebayaa xumaan , waxuuna u baneynayaa wixi wanaagsan waxuuna ka xarrimayaa wixi xun waxuuna kadhigayaa culeskii iyo xarigyadii dushooda  ahaa ”

(4)- zabuur :

waa kitaabki uu alle ku soo dejiyay nabi dawuud -dushiisa ha ahato nabade- , zabuurka waajibka ah in la rumeeyana wa kan ilaahey ku soo dejiyay dawuud ee ma aha waxa ey yahuuda bedeshay .

قال تعالى :

[سورة النساء، الآية:163].

Macnaha aayada waxaa waaye:” waxaan siinay dawuud zabuur”

(5)- suxufti ibraahiin iyo muuse :

waana suxufti uu iaahey siiyay ibraahiin iyo muuse , suxuftaana lamahaayo waxna lagama yaqaano waxa quraanka iyo sunada noo sheegeen maahane .

قال تعالى :

[سورة النجم، الآيات:36-41].

Macnaha aayada wala soo dhaafay.

[arabic-font]قال تعالى : قد أفلح من تزكى وذكر اسم ربه فصلى[/arabic-font]

[سورة الأعلى، الآيات:16-19].

Macnaha aayada waxaa waaye:”xaqiiqee waxaa liibaanay qofkii daahir noqda xusana rabigiis dukadana , …”

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Rukniga afaraad

Rumeenta rususha

 

(1)- Rumeenta rususha nabadgelo dushooda ha ahaatee:

waa mid kamid ah arkaanta iimanka mana sugmayo iimaanka adoonka asiga la aantiis.

Rumeenta rusushuna waa ictqaad goan in alle rusul u doortay gaarsiinta risaalooyinkiisa,qof- ki raacana wuu hanuunay, qofki caasiyana wuu baadiyoobay , rusushuna wey gaarsiiyeen wixi alle ku soo dejiyay gaarsiin cad, amaanad- ina wey guteen ummadana wey u naseexadeey- een , allena wey ku jihaadeen jihaad dhab ah , xujadina wey ogeen ,  ma bedelin  man  qarin wax kamid ah risaaladi loo soo dhiibay,waxana rumeyneynaa kuwi alle noo magacaabay iyo kuwa uusan noo magacaabin , rasuul walbana waxuu ku bishaareeyaa kan kadanbeeyo , kan danbana kuwa kahorreeyo ayuu rumeeyaa .

قال تعالى :

[سورة البقرة، الآية:136].

Macnaha aayada waxaa waaye:” dhaha waxaan rumeynay alle iyo wixi naloo soo dejiyay iyo wixi loo soo dejiyay ibraahim iyo ismaaciil  iyo isxaaq iyo yacquub iyo carurtoodii,iyo wixi la siiyay muuse iyo ciise iyo wixi lagasiiyay nabiyada xaga rabigood ma kalageyneyno dhe- xdooda anagana asiga ayaan u hogaansanay”

Qofki beeniya rasuul wuxuu beeniyay kii rumeeyay , qofki caasiyana wuxuu caasiyay kii amray in la adeeco .

قال تعالى :

[سورة النساء، الآيتان:150، 151].

Macnaha aayada waxaa waaye:” kuwa ku gaal- oobay alla iyo rusushiisa doonayana in ay kala geeyaaan alle iyo rusushiisa , dhahayana wax- aan rumeyneyna qaar gaaleyneynana qaar , doonayana in ay kadhigtaan kaas dhexdiisa jid , kuwaas waaye gaalada runta ah , waxaana u diyaarinay gaalada cadaab duleya ”

(2) – xaqiiqada nabinimada :

nabinimada waa waasida(dhex) u dhexey- so alle iyo abuurkiisa si uu u gaarsiiyo sharcig- iisa, waxuuna ku galadestaa alle cidduu doono oo adomankiisa ah , wuxuuna u doortaa ciduu doono oo khalqigiisa ah , umana ahaanin doorashadaasi cid aan alle aheyn.

قال تعالى :

[سورة الحج، الآية:75].

Macnaha aayada waxaa waaye:” alle waxuu ka dooranyaa malaaikta rusul iyo dadka , allena waa maqle arag badan ”

Nabinimaduna waa hibo ee kasab ma ahan , lagumana gaaro daaco iyo cibaado badni , mana kutimaado doorasho nabi iyo dalabkiisa , wax kalena ma ahane waa doorasho alle .

قال تعالى :

[سورة الشورى، الآية:13].

Macnaha aayada waxaa waaye:” alle wuxuu u doortaa xagiisa cidi uu doono , wuxuna u hanuuniyaa xagiisa cidi soo noqoto ”

(3) – xikmada laga leeyahay dirida rususha :

(a) – adoomanka oo laga saaro cibaadada ado- omanka loona saaro xornimada cibaadada alle.

قال تعالى :

[سورة الأنبياء، الآية:107].

Macnaha aayada waxaa waaye:”kuuma dirin in aad raxmad u tahay caalamiinta mooyaane”

(b) – In la ogaado alle wuxuu u abuuray khalqiga oo ah cibaadadiisa iyo kaliyeentiisa, taasna lama ogaan karo rususha uu alle kasoo doortay khalqigiisa  la aantood.

قال تعالى :

[سورة النحل، الآية:36].

Macnaha aayada wa hor maray.

(t) – in dadka xujada lagu oogo .

قال تعالى :

[سورة النساء، الآية:165].

Macnaha aayada waxaa waaye:” rusul bishaar- eeyo digana si ayna ugu yeelan dadka xujo alle  rususha ka dib , allena waa awood badne xikmad badan”

(j) – in la cadeyo qeybka(waxa maqan) qaark- iis oo aan lagu ogaankarin caqli , sida magacda alle , iyo sifaadkiisa , iyo malaaikta iyo maalinta aakhiro …..

(x) – rusuhsa oo ah ku dayasho wanaagsan oo alle ku dhameestiray akhlaaq sarreysa , kana ilaaliyay wixi shubuhaat ah iyo wixi shahawaat ah ,

قال تعالى :

[سورة الأنعام، الآية:90].

Macnaha aayada waxaa waaye:” kuwaas waa kuwii alle hanuuniyaya ee hanuunkooda ku dayso ”

قال تعالى :

[سورة الممتحنة، الآية:6].

Macnaha aayada waxaa waaye:” waxaa idinkugu  ahaday rasuulka alle dayasho wanaagsan”

(kh) – wanaajinta nafta iyo daahirinteeda iyo uga digitaankeeda wax walba oo halligaya .

قال تعالى :

[سورة الجمعة، الآية:2].

Macnaha aayada waxaa waaye:” alle waa kii  ka soo saaray umuiyiinta rasuul ka mid ah , ku akhrinaya dushooda aayaatkiisa , daahirinayana , barayaa kitaabka iyo sunada”

[arabic-font]وقال صلى الله عليه وسلم : ” إنما بعثت لاتمم مكارم الأخلاق ” رواه أحمد والحاكم.[/arabic-font]

Nabiga waxow yiri :”waxaa uun ley soo saaray si aan u dhameestiro akhlaaqda wanaagsan ”

(4) – shaqooyinka rususha :

rususha ale howlo waa weyn ayay qabteen waxana ka mid ah :

(A)– gaarsiinta shareecada iyo dadka oo loogu yeero cibadada alle oo kaliya,iyo in latuuro cibaadada waxa alle kasooharay.

قال تعالى :

[سورة الأحزاب، الآية:39].

Macnaha aayada waxaa waaye:” kuwa gaarsiinaya risaalooyinka alle , kana cabsanaya , kana cabsaneynin cidna alle maahane , alle wuu ku filanyahay xisaabiye ”

(B) – caddenta wixi lasoo dejiyay oo diin ah .

قال تعالى :

[سورة النحل، الآية:44].

Macnaha aayada waxaa waaye:” waxaan kuu soo dejinay quraanka , si aad ugu caddeydo da- dka waxa loo soo dejiyay,waxeyna mudanyihi- in in ay fikiraan ”

(T) – in ay tusaan ummada kheyrka, ugana dig- aan sharta,ugu bishaareeyaan abaalmarin ugan- a digaan ciqaab.

قال تعالى :

[سورة النساء، الآية:165].

Macnaha aayada wan soo sheegnay.

(J) – in lagu wanaajiyo dadka dayashao wanaa- gsan iyo raacid suuban hadal iyo falba .

(X) – in lagu oogo sharcigi alle adoomanka dhexdooda laguna camal falo .

(KH)–iny ku marqaati kacaan umadahooda maalinta qiyaamo, gaarsiiyeenna gaarsiin cad.

قال تعالى :

[سورة النساء، الآية:41].

Macnaha aayada waxaa waaye:” sidey ahaan markaan ka keeno ummad walba marag , aan kuu keeno adigana (rasuulka ) marag kuwaas dushooda ”

( 5 ) – islaamka waa diinka rususha dhan.

قال تعالى :

[سورة آل عمران، الآية:19].

Macnaha aayada waxaa waaye:” diintu akta alle waa islaamka”

Rusushuna kulligood waxey u yeerayaan cibaadada alle kaliya iyo in la tuuro cibaadada wixa kasoo haro.

Shareecada rususha wey is khilaafsantahay laakiin waxey isku raacsanyihiin asalka ah towxiidka .

[arabic-font]قال صلى الله عليه وسلم: (( الأنبياء إخوة لعلات )) رواه البخاري .[/arabic-font]

Nabiguna wuxuu yiri :” anbiyadu waa walaalo kala hooyo ah”.

( 6 ) – rusushu waa bashar  mana oga qebka(waxa maqan) :

qeybku waa wax gaar u ah ilaahnimada mana ahan sifaadka anbiyada , maxaa yeelay ayagu waa dad lamida dadka, wey cunaan , cabaan guursadaan,seexdaan, xanuunsadaan daalaanna .

قال تعالى:

[سورة الفرقان، الآية:20].

Macnaha aayada waxaa waaye:” ma dirin hortaa rusul illaa ay ahaayeen kuwa cuna cuntada , dhex socdana suuqyada ”

قال تعالى :

¼ ŸWÍVÖWè†WTÞ<ÕWª¤VK…¾„SªS¤ÝYQÚðÐYՉWTΆWTÞ<ÕWÅW–WèóØSäVֆ_–.Wè¦KV…_&àWQTÿQY¤S¢Wè »  [سورة الرعد، الآية:38].

Macnaha aayada waxaa waaye:” waxa dhab ah in aan dirnay rusul hortaa , waxaana u yeelnay xaasas iyo ilmo”

Rusushana waxaa kudhaco waxa dadka kudha- co oo: murug, farax, dadaal, firfircooni ah, wax aklena ma ahane alle ayaa wuxuu u doortay in  ay gaarsiiyaan diintiisa , mana oga qebka wuxuu alle ogeysiiyo maahane .

قال تعالى :

¼SØYÕHTWÆgˆ~WçÅ&lt;Ö@…ð„TWTÊS£XäpÀ¹SÿøVÕWÆ,-YãY‰T~Wçƅ[ŸWšVK…(26)‚PVMX…XÝWÚuøWµWTpŽ¤@…ÝYÚxÓéSªWQ¤ISãPVßXM†WTÊñÐRÕp©Wÿ?ÝYÚXÜkTWŠYãTÿWŸWÿóÝYÚWè-YãYÉ<ÕWž…_ŸW²W¤(27) »  [سورة الجن، الآيتان 26 ، 27].

Macnaha aayada waxaa waaye:” alle waa kii qeybka ogaay , mana daalicinayo qebkiisa ruux , cida uu karaali noqdo mooyaane oo rasuul ah , asigoo dhigayo hortiisa iyo gadaashiisa ilaal”

( 7 ) – dhoorsanaanta rususha :

ille wuxuu u doortay gaarsiinta risaalooy- inkiisa kuwa ugu wanaagsan khalqigiisa,uguna dhameestiran abuur iyo akhlaaq,wuxuuna kadh owray danbiyada waa weyn, kana beri yeelay ceeb walba si ay u gaarsiiyaan umadahooda waxyiga alle, umaduna waxey isku raacday in ay ka dhowrsanyihiin in ay wax ku daraan ama ka dhimaan waxa ay alle ka gaarsiinayaan.

قال تعالى :

¼†WäQSTÿKV†H;TTWTÿSÓéSªQW£Ö@…<çÄTPYÕWTŠ:†WÚWÓX¥ßKR…ðÐ~VÖMX…ÝYÚð$ÐYQTŠQW¤ÜMX…WèyPVÖÔWÅpTÉWTŽ†WÙWTÊðŒpTTçÅPVÕWTŠI&amp;SãWTVֆWªY¤SJðJðS/@…WèðÐSÙY±ÅWTÿWÝYÚ%X§†PVÞÖ@… »  [سورة المائدة، الآية:67].

Macnaha aayada waxaa waaye:” rasuulki allow gaarsii wixi lagaaga soo dejiyay xaga rabigaa , hadaan sameynna magaarsiin risaaladiisi,allana kaa dhowrayo dadka ”

قال تعالى :

¼fÛTÿY¡PVÖ@…WÜéSçÅPYÕWT‰STÿgŒHTVÕHTWªX¤JðY/@…ISãWTßóéTW­mïmðžWè‚WWèWÜóéTW­mïmðž…[ŸWšVK…‚PVMX…JðW%/@……»  [سورة الأحزاب، الآية:39].

Macnaha aayada waa hormaray.

قال تعالى :

¼ðyVÕÅWT~YPÖÜKV…ŸTWTÎN…éSçÅVÕTŠVK…gŒHTVÕHTWªY¤ØXäQYTŠW¤ð·†WšVK…Wè†WÙYŠØXäTÿWŸVÖuøW±`šVK…WèQWÔRÒ]òpøW®…W= WŸWÆ(28) »  [سورة الجن، الآية:28].

Macnaha aayada waxaa waaye:” si uu u ogaado in ay gaarsiiyeen risaaladihii rabigood , wuxuna ku koobay ogaal waxa hotroda ahaday , wuxuuna ku koobay wax walba tiro”

Hadii ay kasoo baxdo  mid ka mid ah ayaga danbiyo  yar yar aan xiriir laleheyn gaarsiinta risaalada waa loo cadeynayaa , dgdeg ayayna alle ugu towba keenaan uguna soo noqdaan, waxeyna ku helayaan alle u noqoshadaas dara- jo kasareysa darajadoodi hore , sababtuna waxaa waaye alle oo u gaaryeelay anbiyadiisa akhlaaq dhameestiran iyo sifooyinka kheyrka , kana nazahay wax walba oo ka dhimayo sharaftooda iyo darajadooda .

( 8 ) – Tirada anbiyada iyo rususha iyo kuwa ugu fadli badan:

waxaa sugnaaday tiradarususha in ay tahay sadex boqol iyo dhoor ya toban ,

لقوله صلى الله عليه وسلم  لما سئل عن عدد الرسل :” ثلاثمائة وخمس عشرة جما وغفيرا ” رواه الحاكم .

Waxaa daliil u ah arrintaas xadiithka  nabiga uu ku leeyahay marki la weydiiyay tirada nabiyada :”sadex boqol iyo shan iyo toban kulansan oo badan” xaakim baa weriyay.

Nabiyadana intaa way ka badan yihiin, waxana ka mid ah qaar alle nooga sheekeeyay kitaabki- isa , iyo qaar uusan nooga sheekeen , waxuuna kitaabkiisa ku magacaabay shan iyo labaatan nabi iyo rasuul

قال تعالى :

¼¾„SªS¤WèŸWTÎØSäHTWTÞp±W±WTÎðÐ~VÕWÆÝYÚSԉWTξ„SªS¤WèØPVÖØSäp±S±pTÍWTß&ðÐ`~VÕWÆ…»  [سورة النساء، الآية:164].

 

Macnaha aayada waxaa waaye:” iyo rusul aan kaaga sheekeynay iyo rusul aan kaaga sheekeynin ”

قال تعالى :

¼ðÐ<ÕYTŽWè:†WÞTTSQW•Sš:†WäHTTWTÞ~WTŽ…ƒòðy~TYå.W£TŠXM…uøVÕWÆ-&YãYÚóéTWTÎSÄTWTÊó£TWTßxŒHTW–W¤W ÝQWÚS%ò:†TW­PVTßQWÜMX…ðÐPVŠW¤}y~YÑWšcy~YÕWTÆ(83)†WÞTT‰TWåWèWè,ISãTVÖWÌHTTW™ªXM…&ð‡éSÍÅWTÿWèJZ„S{†&amp;TWTÞTÿWŸWå†[TšéSTßWè†TWTÞTÿWŸWåÝYÚS$ԉTWTÎÝYÚWè-YãYTQWTÿQX¤S¢W ISè…W WÝHTWÙ~VÕTSªWèð‡éQSTÿVK…WèðÈSªéSTÿWèuøWªéSÚWè&amp;WÜèS£HTWåWèðÐYÖ.V¡W{Wè÷X¥•WTßWÜkYÞY©™SÙ&lt;Ö@…(84)†QWTÿX£W{W¦WèuøW~p™WTÿWèuøW©~YÆWè$ð§†W~T&lt;ÖXM…WèQbÔRÒWÝYQÚfûkY™YÕHTUfTT±Ö@…(85)WÔ~YÅHTWTÙªXM…WèWÄW©W~<Ö@…Wèð¨SßéWTÿWè&†_TTºéRÖWè^n„S{Wè†WÞ<ÕJðµWTÊøVÕWÆWÜkYÙVÕHTWÅ<Ö@…(86)óÝYÚWèyXäMXú:†WTŠ…ƒòóØXäYHTQWTÿQX¤S¢Wè$óØXäYß.WéžXM…WèóØSäHTWTÞ~W‰WT–@…WèySäHTWTÞTTÿWŸWåWèuøVÖXM…x·.W£g²xy~YÍWTT`©QSÚ(87) »  [سورة الأنعام، الآيات:83-87].

Macnaha aayada waxaa waaye:” taasi waa xujadayni aan kusiinay braahiim qoomkiisa dushooda , waxaan kor u qaadeynaa darjaad qofkaan doono , rabigaana waa xikmad iyo cilmi badanyahay, waxaan u hibeynay isxaaq iyo yacquub , mid walibana waan hanuuninay , nuuxna waan hanuuninay ka hor , caruurtiisina waxaa kamid ah dawuud iyo suleemaan iyo ayuub iyo yuusuf iyo muuse iyo haaruun, sidaa soo kale ayaana u abaal marinaa kuwa wanaa- jiyo , iyo zakariye iyo yaxye iyo ciise iyo ilyaas mid walibana kuwa suuban ayuu katirsanyahay, iyo ismaaciil iyo yasac iyo yonis iyo luudh mid walibana waxaan ka fadilnay caalamka , iyo aabayaalkod iyo faracoodi iyo walaalahood , waan dooranay waana ku hanuuninay jidka toosan ”

Allena wuu kal fadilay nabiyada .

قال تعالى :

¼ …ŸTWÍVÖWè†WTÞ&lt;ÕJðµWTÊð´ÅWTŠWÝGJgTT~Y‰PVÞÖ@…uøVÕWÆw$´`ÅWŠ…»  [سورة الإسراء، الآية:55].

Macnaha aayada waxaa waaye:” waxaa dhab ah in aan ka fadilnay nabiyada qaarkood qarka akle”

Rusushana sidoo kale alle waa kala fadilay.

قال تعالى :

¼ðÐ<ÕYŽñÔSªQS£Ö@…†WÞ<ÕJðTµWTÊóØSäWµÅWTŠuøVÕWÆ'w´ÅWTŠ…»  [سورة البقرة، الآية:253].

Macnaha aayada waxaa waaye:” taasi waa rusushi waanka fadilnay qaarkood qaarka kale ”

Waxaana u fadli badan kuwa saaxibka u ahaa sugnaanta waana : nuux , ibraahiin , muuse , ciise , iyo nabigena muxamad dushooda nabad ha ahaatee.

قال تعالى :

¼¤Yip²@†WTʆWÙVÒW¤WiTW²N…éRÖOèRK…Yz¥WÅ<Ö@…WÝYÚXÔSªQS£Ö@……»  [سورة الأحقاف، الآية:35].

Macnaha aayada waxaa waaye:” u sabar sida ay u sabreen kuwii la siiyay go aanka lahaa ee rususha ka tirsanaa”

قال تعالى :

¼<¢MX…Wè†WTßp¡TWžKV…WÝYÚWÝGJgTT~Y‰PVÞÖ@…óØSäWÍHTWT‘~YÚðÐÞYÚWèÝYÚWèw—éPRßWØ~Yå.W£TŠMX…WèuøWªéSÚWèøW©~YÆWèXÝTŠ@…W$ØWTÿó£TWچWTpß¡WžVK…WèØSä`ÞYچ[TÍHTWT‘~QYچ_TTÀ¹~YÕWçÆ(7) »  [سورة الأحزاب، الآية:7].

Macnaha aayada waxaa waaye:” waxaad xustaa waqti aan ka qaadnay nabiyada balan iyo adiga iyo nuux iyo ibraahim iyo muuse iyo ciise inanki maryam , waana ka qaadnay ayaga balan adag”

Muxamad-naxariis alle iyo nabadi dushiisa ha ahaatee- ayaana ugu fadli badan rususha , khaatamki nabiyadana ah , iyo imaamka dadka dhowrsadaya , iyo sayidka ubadka aadan iyo imaamki anbiyada hadey kulmaan , iyo khad- iibkoodi hadey wafdi u baxaan ,iyo saaxibki maqaamki(istaaga aakhiro) mahadsanaa oy ku xasdayaan dadka oo dhan kuwi horo iyo kuwa danbe, waana saaxibki  calanka mahadda iyo darki laimaanayay aakhiro, iyo kii u shafaaca qaadayay khalqiga maalinta qiyaamo, iyo saax- iibki wasilada(waa darajada ugu sareydo jana- da) iyo fadliga, aalaana ku  soo saaray sharee- ico tii  ugu fadli badned, kana yeelay umadiisa tan ugu kheyr badan ummad la soo saaray, una kulmiyay asiga iyo umadiisa dheeraad iyo wanaag dhaafiyay kuwii ka horreeyay ayagoo dadka ugu danbeyo abuurid ahna kuwa loo soo horsaari doono.

قال صلى الله عليه وسلم :” فضلت على الأنبياء بست ” رواه مسلم

Nabiga wuxuu yiri : waxaa laygaga fadilay anbiyada lix

وقال صلى الله عليه وسلم : ” أنا سيد ولد آدم يوم القيامة وبيدي لواء الحمد ولا فخر ، وما من نبي يومئذ آدم فمن سواه إلا تحت لوائي يوم القيامة ” رواه أحمد والترمذي

Macnihiisana: aniga ayaa sayidka ilmiha aadan ah maalinna qiyaamo, gacanteyduuna ku jiraa calanka mahada faan la’aan,mana jiro nabi aad- an  iyo kuwa kandanbeeyaba illaa uu hoos imaanayo calankeyga maakinta qiyaamo”.

Kan ku xigo rasuulka xaga fadliga waa : nabi ibraahim khaliilki raxmaanka(kii alle jeclaay) , labada khaliil ayaa ugu fadli badan shanta nabi oo goaanka lasiiyay oo la fadilay kadibna sade- xda kale ayaa ku xigta

( 9 ) – mucjisaadka nabiyadaq :

alle wuxuu ku adkeeyay rusushiisa aayado waaweyn iyo mucjisooyin cad cad si ay ugu noqoto xujo sida : quraanka , dilaaci dayaxa , isku rogidi usha abeeso, shinbirta oo dhoobo laga abuuro, iyo kuwa kale .

mucjisada khilaafsan caadada waxey daliil u tahay nabinimada runta ah, karaamadana(waa amarka khilaafsan caadada lana soconin nabin- imo sheekaso) waxey daliil u tahay marqaati kaca runta ah oo loo marqaati kaco nabinimada.

قال تعالى :

¼ŸTWÍVֆWTÞ&lt;ÕWª¤VK…†WTÞVÕSªS¤gŒHTWTÞQX~W‰<Ö@†YŠ…»  [سورة الحديد، الآية:25].

Macnaha aayada waan soo sheegnay.

وقال صلى الله عليه وسلم: (( ما من نبي من الأنبياء إلا وقد أوتي من الأيات ما آمن  على مثله البشر وإنما كان الذي أوتيته وحيا أوحاه إلي فأرجوا أن أكون أكثر هم تابعا يوم القيامة )) متفق عليه .

Nabiga wuxuu yiri : majiro nabi nabiyada kamid ah illaa la siiyay calaamado ayagoo kale ay ku rumeeyaan dadka, kuwa leysiiyayna waa  waxyi lay waxyooday waxana rajeynayaa in aan noqdo kan loogu raac badan maalinta qiy- aamo.

( 10 ) – Rumeenta nabinimada nabigeena muxamad naxariis alle iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee:

rumenta nabinimadiisa waa:asal weyn oo iim- aanka katirsan, mana sugmayo iimaanka adoo- nka la aantiis .

قال تعالى :

¼ÝWÚWèyPVÖ?ÝYÚëSTÿYJð/@†YŠ-YãYTÖéSªW¤Wè:†PVTßXM†WTʆWTߟTWTÆVK…WÝÿX£YÉHTVÑ<ÕYօ_¤kYÅWª(13) »  [سورة الفتح، الآية:13].

Macnaha aayada waxaa waaye:” cidi aan rumen alle iyo rasuulkiisa , anagu waxaan u diyaarinay gaalada naarta ololeyso ”

وقال صلى الله عليه وسلم :” أمرت أن أقاتل الناس حتى يشهدوا أن لا إله إلا الله وأني رسول الله ” رواه مسلم

Waxuu yiri nabiga: waxaa ley amray dadka in aan la dagaalo inta ay kaqiraan inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo allaah mooyaane  anigana rasuulki alle inaan ahay .

Rumeenta nabigana -naxariis alle iyo nabadi dushiisa ha ahaatee- ma dhamestirmeydo arrm- aha soo socda la aantood :

(1)- barashada nabigeena, waana : muxamad bin cabdillaahi bin cabdil mudalib bin hashim .

haashimna waa qureesh , qureeshna waa carab , carabna waa ubadki ismaaciil ina ibraahiim alkahalil , da diisuna waxey eheyd lixdan iyo sadex , afartan nabinimada ka hor ayay eheyd , labaatan iyo sedaxna nabi iyo rasuul ayuu ahaay .

(2) – rumeenta waxa uu sheegay, iyo adeecida waxa uu amray , kafogaanshaha wax uu reebay , allana aan lagu caabudin wax uu asiga sharciyeeyay maahane wax kale .

(3) – Rumeenta in uu yahay kii loo soo diray jina iyo insiga , umana bannaano insi iyo jinni raacidiisa maahane wax kale .

 

قال تعالى :

¼ÔSTΆWäQSTÿKV†H;TTWTÿñ§†PVÞÖ@…øYPßMX…SÓéSªW¤JðY/@…ØS|`~VÖMX…†[TÅ~YÙW–…»  [سورة الأعراف، الآية:158].

Macnaha aayada waxaa waaye:” ku dheh dadyahow anigu rasuulki alle idiin soo diry baan ahay dhamaantiin”

(4) – rumeenta risaaladiisa , iyo in uu yahay nabiyada kan ugu fadli badan uguna danbeeyay .

قال تعالى :

¼ …ÝYÑHTVÖWèðÓéSªWQ¤JðY/@…ðyWTŽ†WžWèW%ÝGJgTT~Y‰PVÞÖ@……»  [سورة الأحزاب، الآية:40].

Macnaha aayada waxaa waaye : “…laakiin muxamad waa rasuulkii alle iyo kii lagu khati- may nabiyada ”

Iyo in uu yahay khaliil raxmaanka , sayidki ubadka aadan, saaxiibki shafaacada weyneyd iy wasiilada (darajada u sareysa janada), iyo  saaxibka darka loo aroorayo, ummadiisana ayada ayaaa ugu kher badan umadaha .

قال تعالى :

¼óØSÞRÒW¤`kTWž]àTTPVÚRK…pŒW–X£pTTžRK…X§†PVÞYÕÖ…»  [سورة آل عمران، الآية:110].

Macnaha aayada waxaa waaye:” waxaad eheedeen kuwa ugu kher badan umad dadka loo soo saaro ”

Ayaga ayaana janada ugu badan, risaaladiisana waxey tirtirtay risaaladihi ka horreyay oo dhan.

(5) – alle wuxuu ku xoojiyay mucjisadi ugu weyneed iyo aayadi ugu cadeyd,waana quraan- nka alle ka ilaaliyay bedelid .

قال تعالى :

¼ÔSTÎXÝMXùPVÖgŒWÅWÙWT–@…ñ¨ß‚XMô@…QSÝY•&lt;Ö@…WèuvøVÕWÆÜKV…N…éSTŽ&lt;K†WTÿXÔpTT‘YÙYŠ…W¡HTWåg܅ƒòó£TSÍ&lt;Ö@…‚WWÜéSTŽK&lt;†Wÿ-YãYpՑYÙYŠóéTVÖWèfû†VÒóØSäñµÅWTŠw´`ÅW‰Yօ_¤kXäVÀº(88) »  [سورة الإسراء، الآية:88].

Macnaha aayada waxaa waaye :” ku dheh haday kulmaan insiga iyo jiniga si ay ula yimaadaan mid la mid ah quraankaan lama imaanayaan la midkiis, haduu ahaado qaarkood qaarka kale kuwa u gargaaro”

قال تعالى :

¼†PVTßXM…SݙW߆WTÞ&lt;ÖQW¥WTßW£T{PY¡Ö@…†PVTßMX…WèISãWTÖWÜéRÀ¹YÉHTTW™VÖ(9) »  [سورة الحجر، الآية:9].

Macnaha aayada waa hor maray.

(6) – in la rumeeyo rasuulka in uu gaarsiiyay risaaladi , amaanadina gutay , umadana u nase- exadeyay,kheyr umadiisa uusna tusinna majiro , shar uuna uga digina majirto .

قال تعالى :

¼ŸWÍVÖóØS{ƒò:†W–cÓéSªW¤óÝYQÚóØS|Y©SÉßKV…e¥ÿX¥WÆYã~VÕWÆyPRYÞWƆWÚ}°ÿX£WšØS|~VÕWÆfûkYÞYÚ`ëSÙ<Ö@†YŠcÇèSòW¤cy~YšQW¤(128) »  [سورة التوبة، الآية:128].

Macnaha aayada waxaa waaye:” waxaa idin yimid rasuul idinka tirsan , ku adagtahayna waxad dhibsataan , iadin ilaalin badan , muuminiintana u naxariis badan ”

وقال صلى الله عليه وسلم :” ما من نبي بعثه الله في أمة قبلي إلا كان حقا عليه أن يدل أمته على خير ما يعلمه لهم ويحذر أمته من شر ما يعلمه لهم ” رواه مسلم .

Macnihiisuna waa:majiro nabi alle usoo saaray hortey illaa xaq ay ku eheyd in uu tuso kheyr-ka uu ogyahay ugana digo sharta uu ogyahay”.

(7) – jeclaantiisa nax.. jeceelkiisana laga hormariyo jeceelka nafta iyo khalqiga oo dhan , iyo weyneentiisa iyo ixtiraamkiisa iyo adeeciddiisa, taasina waa xuquqda alle u waajib yeelay nabigiisa, jeceylkiisa iyo adeeci- diisana waa jeceyl iyo adeecid alle.

قال تعالى :

¼ÔSTÎÜMX…ySÞRÒWÜéQS‰Y™STŽJðW/@…øYTßéSÅY‰PVTŽ@†WTÊSØRщY‰™STÿJðS/@…ó£YÉpTTçÅWTÿWè`yRÑVÖp%yRÑWŠéSTßS¢SJðJðS/@…Wèc¤éSÉWTçÆcy~YšQW¤(31)»  [سورة آل عمران، الآية:31].

Macnaha aayada waa soo marnay.

وقوله صلى الله عليه وسلم :” لا يؤمن أحدكم حتى أكون أحب إليه من ولده ووالده والناس أجمعين” متفق عليه

Macnaha xadiiska :   ma rumeynayo ruuxiin inta aanka ahaado kan uu kajecelyahay wiilk- iisa iyo waalidkiis iyo dadka oo dhan .

(8) – in lagu salliyo oo naxir iyo nabad alle loo weydiyo, lana badiyo , bakhiilkuna waa kan  aktiisa nabiga lagu sheego oon ku sallinin , .

قال تعالى :

¼QWÜMX…JðW/@…ISãWTW|Mù;HTVTÕWÚWèWÜéRPÕTW±STÿøVÕWÆJg&øY‰PVÞÖ@…†WäQSTÿKV†H;TTWTÿWÝÿY¡PVÖ@…N…éSÞTWڅƒòN…éPRÕW²YãT~VÕWÆN…éSÙPYÕWªWè†[Ù~YÕT©WTŽ(56)»  [سورة الأحزاب، الآية:56].

Macnaha aayada waxaa waaye:” alle iyo mala- aiktiisa wexey ku salinayaan (amaan) nabiga,  war kuwii rumeeyow ku saliya (nax- ariis) dushiisa nabad gelyeeyana nabd gelyo ”

قال صلى الله عليه وسلم :” من صلى عليّ صلاة واحدة صلى الله عليه بها عشرا ” رواه مسلم .

Macnahiisa waa : Ruuxه igu salliyo hal salli alle baa ku slliyo toban mar .

Wuxuuna sii fiican yahay saligu meelaha qaar sida : ataxyaatka salaada , qunuutka , salaada janaasada , khudbada jimcaha , marka masajid- ka lagalayo iyo marka lagabaxayo , marka la duceysanayo , marka la sheego nabiga nax…iyo meelo kale .

(9) – nabiga iyo nabiyada oo dhan alle aktiisa ayay ku nool yihiin nolol u dhexeyso nolosha aduunyo iyo tan aakhiro , kana wanaagsan tan shuhadada , laakiin ma ahan tii ay ku noolayeen aduunka , waa nolol sida ay u taal aanan ogeyn magaca dhimashadana kama reebeyso .

 

قال صلى الله عليه وسلم :” إن الله حرم على الأرض أن تاكل أجساد

الأنبياء ” رواه أبو داود والنسائي .

Macnihiisana : alle wuu ka xarrimay dhuklka inuu cuno jirarka anbiyada.

وقال صلى الله عليه وسلم :” ما من مسلم يسلم عليّ إلا رد الله عليّ روحي كي أرد عليه السلام ” رواه أبو داود : muslim nabiga wuxuu yiri : majiro muslim isalaamayo ilaa maahane alle ruuxdeyda igu soo celinayo si aan aan uga celiyo salaanta

(10) – ixtiraamka nabiga waxaa ka mid ah in aan hadalka kor loogu qaadin agtiisa markuu noolaay iyo qabrigiisa marki la salaamayo

قال تعالى :

¼†WäQSTÿKV†H;TTWÿWÝÿY¡PVÖ@…N…éSÞWڅƒò‚WN…;éSÅWTÊó£WTŽØRÑWTŽ.Wé²VK…ðËéWTÊg‹éW²JgøY‰PVÞÖ@…‚WWèN…èS£Wäímð–ISãVÖXÓéWÍ<Ö@†YŠX£äW•VÒØS|YµÅWTŠ´ÅW‰YÖÜKV…ð¸W‰ímðšØRÑRÕHTWÙÆVK…ySßKV…Wè‚WWÜèS£SÅpT­WTŽ  (2)»  [سورة الحجرات، الآية:2].

Macnaha aayada waxaa waaye:” war kuwii rumeeyow ha uqadina codkiina ka kor codka nabiga  , hana ugu qaadina hadalka sida uu ugu qaadayo qaarkiin qaarka kale , si uuna cam- alkiina u burin adinkoo dareemeen ”

Nabiga xurmadiisa markuui dhintay kadib waxey la mid tahay xurmadi uu lahaay markuu noolaaay ,waxaana waajib ah in loo ixtiraamo sida ay u ixtiraami jireen saxaabadi-allaha ka raali noqde-, wexey ahaayeen dadka ugu raacid badan nabiga, ugauna fog khilaafidiisa iyo in lagu daro diinta alle wax aan kamid eheyn .

(11)–in la jeclaado asxaabtiisa iyo ehelkiisa iyo xaasaskiisa, iyo in loo gargaaro dhamaantood lagana digtoonaado in lacaayo ama wax laga dhimo ama la duro,alle baa raali ka una doort- ay in ay naqdaan asaxaabti nabigiisa, wuxuuna ku waajib yeelay umaddaan u gargaarkooda iyo jeceelkooda.

قال تعالى :

¼fûéSTÍY‰HTJð©Ö@…WèWÜéRÖPVèKKV‚ô@…WÝYÚWÝÿX£Y•HTWäSÙ<Ö@…Y¤†W±ßKKV‚ô@…WèWÝÿY¡PVÖ@…WèØSåéSÅWT‰PVTŽ@…wÝHTW©šMX†YŠƒøY¶PV¤JðS/@…óØSäÞWÆN…éS¶W¤WèSãTT`ÞWÆ…»  [سورة التوبة، الآية:100].

Macnaha aayada waxaa waaye:” kuwi horeeyay oo koowaad oo muhaajiriinta ka tirsanaa iyo ansaarat iyo kuwi ku raacay wanaag , allaa ka raali noqday weyna ka raali noqdeen ”

وقال صلى الله عليه وسلم:” لا تسبوا أصحابي فو الذي نفسي بيده لوأنفق أحدكم مثل أحد ذهبا مابلغ مد أحدهم ولا نصيفه ” رواه البخاري

Nabigana wuxuu yiri : ha caynina asxaabteyda waxaan ku dhaartay alihi nafteyda gacantiisa ku jirtaye haduu baxiyo midkiin buurta uxud oo kale oo dahaba ma gaarayo sacabada midk- ood oo fidsan waxa ku jira iyo barkodba”

Waxuuna ugu yeeray kuwi gadaashood yimid in ay danbi dhaaf alle u weydiiyaan saxaabada, ayagana weydiistaan alle inuu quluubtooda u gelinin xiqdi iyo xasad.

قال تعالى :

¼fÛTÿY¡PVÖ@…WèèSò:†W–=ÝYÚóØYåYŸÅWTŠfûéRÖéSÍWTÿ†WTÞQWTŠW¤ó£TYÉ&lt;çÆ@…†fTTTÞVֆWÞYTßWHéTž‚MXgWèfÛTÿY¡PVÖ@…†WTßéSÍW‰WªXÝHTWÙÿ‚XMô@†YŠ‚WWèÔWÅðím–Á†WÞYTŠéSTÕSTÎ^n„YçÆWÝÿY¡PVÕPYÖN…éSÞWڅƒò:†WÞQWTŠW¤ðÐPVßMX…cÇèSòW¤eØ~YšQW¤(10) »  [سورة الحشر، الآية:10].

Macnaha aayada waxaa waaye:” kuwi yimid gadaashood waxey leeyihiin : rabigeynow noo denbi dhaaf , iyo walaalaheni nooga horeeyeen rumeenta , hana uga yeelin quluubteena xasad kuwi rumeeyay,  rabigeenow adiga naxariis badane baa tahaye.”

(12) – in laga fogaado in ladhaafiyo nabiga meeshuu alle dhigay, kaasna waa dhib weyn oo nebiga loo geysahaa , nabigana waa uga digay umadiisa in ay kabadiyaan weyneyn, dhigaana meel uusan alle dhigin siiyaanna waxuu alle gaar u leeyahay .

قال صلى الله عليه وسلم :” إنما أنا عبد فقولوا عبد الله ورسوله ، لا أحب أن ترفعوني فوق منزلتي ”

Nabiga wuxuu yiri: waxaa uun ahay aniga adoon ,ee dhaha adoonki alle iyo rasuulkiisi , ma jecli in aad ii qaadaan ka kor darajadeyda ”

وقال صلى الله عليه وسلم :” لا تطروني كما أطرت النصارى ابن مريم ”

Waxaa kale uu yiri nabiga: ha iga badinina amaanta sida ay nasaarada ugu badisay inanki maryan (nabi ciise ) ”

Mana banaano in nabiga la baryo ama kaalmo la weydiisto , iyo in lagu dawaafo qabrigiisa ama asiga loo nadriyo, ama lo gowraco , waxaa soo dhanna waa shirki , Allana waa reebay in la caabudo asaga cidaan eheyn .

kaasna waxaa ka horjeedo in nabiga aan la ixtiraamin , oo hoos loo dhigo ama la fudude- esto , ama lagu jeesjeeso , waxaasoo dhanna waa islaam ka noqosho iyo gaalnimo .

قال تعالى :

¼ … ÔSTÎYãPVÕÖ@†YŠKV…-YãYHWTTÿ…ƒòWè-YãYTÖéSªW¤WèySÞRÒfûèSòX¥äWT©WTŽ(65)‚WN…èS¤Y¡WpTÅWTŽŸWTÎØSŽp£TWÉVÒWŸÅWTŠ&`yRÑYÞHTWÙÿXM…… »  [سورة التوبة، الآية: 66 ، 67].

Macnaha aayada waxaa waaye:” ku dheh : ma alle iyo aayaadkisa iyo rasuulkiisa ayaad ku jees jeeseyseen , ha cudurdaaranina waad gaalowdeen kadib rumentiini”

Jeclaanta nabiga ee runta ahna waa tan keento in lagu daysado hanuunkiisa lana raaco sunna- diisa lagana tago wax walba oo jidkiisa khilaafaa .

قال تعالى :

¼ÔSTÎÜMX…ySÞRÒWÜéQS‰Y™STŽJðW/@…øYTßéSÅY‰PVTŽ@†WTÊSØRщY‰™STÿJðS/@…ó£YÉpTTçÅWTÿWè`yRÑVÖp%yRÑWŠéSTßS¢SJðJðS/@…Wèc¤éSÉWTçÆcy~YšQW¤(31)»  [سورة آل عمران، الآية:31].

Macnaha aayada waan soo sheegnay.

Waxaa waajiba marka nabiga inaan la dhaafs- iin meeshuu alle dhigay oon lasiin sifaad ilaah- nimo, xaqiisana laga dhimin oo la ixtiraamin ama la raacin hanuunkiisa iyo jidjisa.

(13) – rumeenta nabiga waxba ma tareyso iyada oo lagu camakfalin waxa uu layimid , adeeciisana waa adec alle , caasintiisana waa caasiyeyn alle,rumeynta nabiga iyo raacidiisa ayay ku sugmeysaa raacida alle.H HHgfghghghghghghghghgcffjfjfjjأأااتلقنمتيلفق

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Rukniga shanaad

Rumeenta maalinta aakhiro

 

( 1 )-Rumeynta maalinta aakhiro waa: in la ictiqaado in ay  nolosha aduunyo dhamaaneyso lana gelayo ka dib daarti aakhiro,wexeyna ku bilaabaneysaa dhimashada iyo nolosha bar- sakhiga ah(qabriga dhexdiisa) wexeyna sii mareysaa istaaga saacada kadibna soo saaridi iyo kulminti iyo abaal marinti ilaa ay ka galaan dadka janada ama naarta .

Rumeenta aakhirana waa rukni ka mid ah arkaanta iimaanka mana dhamestirmayo iimaanka adoonka ruknigaan la aantiis qofki inkiraana waa gaal .

قال تعالى:

¼ … QWÝYÑHTVÖWèQW¤Yi<Ö@…óÝWÚWÝWڅƒòYJð/@†YŠYzóéTW~<Ö@…WèX£Yž›‚@… …»  [سورة البقرة، الآية:177].

Macnaha aayada waa hor maray.

وجاء في حديث جبريل:فأخبرني عن الإيمان؟ قال:أن تؤمن بالله، وملائكته وكتبه ، ورسله واليوم الآخر ، وتؤمن بالقدر خيره وشره) رواه مسلم .

Macnaha xadiisaka : jibriil baa nabiga ku yiri : iiga waran iimaanka ? markaa buu naibiga yiri : waa inaad rumeysid alle,malaaiktiisa, kutubtiisa,rusushiisa, maalinta aakhiro, iyo qadarka kheyrkiisa iyo shartiisa ” muslim ayaa weriyaya.

Waxaan waajiba in la rumeeyo waxyaabaha horu dhaca u ah maalinta aakhiro, ahna kuwa uu nabiga sheegay oo ah calaamadihi saacada .

Wexeyna u kala qeybiyeen culimada calaa- maadkaan labo qeyb:

(A)-calaamado yar yar : waana kuwa ku tusayo in ay dhawdahay saacadi , aad ayayna u badan yihiin , wax badan oo ka midana wey dheceen hadeysan badankoodba dhicin .

waxaana kamid ah:soo saarida nabiga, layaca amaanada,qurxinta masaajida iyo ku faanideda , xoolo jir guryo dhaadheer isugu faano , yahudoo lala dagaalo,waqtiga oo isku dhawaado , camalkoo yaraado , fitankoo bato , dhimashadoo badato, zinada iyo xumaanta oo bdato .

قال تعالى :

¼YŒWTŠW£WTpTÎ@…SàWƆJð©Ö@…VPÌW­ß@…WèS£WÙWÍ<Ö@…(1)»  [سورة القمر، الآية:1].

Macnaha aayada waxaa waaye:”wey dhowaatay saacaddi , waa dilaacay dayaxi ”

(B)-calaamado waa weyn:waana kuwa imaan- ayo saacada horteed, kuna digayo bilawga dhicitaanka saacada, waana toban calaamad-ood , waxna kama so bixin .

waxaana kamid ah: mahdi oo soobaxa, iyo  dajaal , iyo ciise oo ka soo dega samada isagoo xaakim caadila ah jebinayana saliibka dilayana dajaal iyo doofaarka, iyo yajuuj wama juju oo soobaxa,nabi ciise ayaana inkaari markaa bey dhimanayaan, iyo sadex qorax madow oo midi kaddhici doono bari , midina galbeed , midina jasiirada carabta, iyo qiiq weyn oo samada ka soo bixi dadkana dabooli indhana tiri,iyo quraanka oo lagaqaado dhulka lona qaado samada, iyo qoraxda oo ka soobaxdo galbeed, iyo soobixida daabbada(bahal),iyo naar weyn oo ka soo bixi doonto cadan una hogaamin doonto dadk dhulka shaam , ayada ayaana u danbeyso calaamdaha waa weyn .

روى مسلم عن حذيفة بن أسيد الغفاري رضي الله عنه قال : أطلع النبي صلى الله عليه وسلم ونحن نتذاكر،فقال:”ما تذكرون ؟ قالوا نذكر الساعة . قال:إنها لن تقوم حتى تروا قبلها عشر أيات، فذكر : الدخان،والدجال ، والدابة ، وطلوع الشمس  من مغربها ، ونزول عيسى ابن مريم ، ويأجوج ، وثلاثة خسوف : خسف بالمشرق ، وخسف بالمغرب ، وخسف بجزيرة العرب ، وآخر ذلك نار تخرج من اليمن تطرد الناس إلى محشرهم ” .                                                                       Macnihiisana : wuxuu ka  wariyay  muslim xudeefa ibn useyd al qafaariy saxaabiga layira- ahdo raali allaha kanaqdee in uu yiri : nabiga ayaa nagu soobaxay anaga oo is xusuusinayna , markaa buu yiri maxaad  xuseydaan ? markaa bey dheheen: waxan xuseynaa saacada. markaa bu yiri: ma istaageyso saacada intaad ka aragt -aan horteed toban calaamadood,wuxuuna shee- gay: qiiqa , dajaal,daabada , qoraxda oo kasoo- baxda galbeed , soo degida ciise , yajuuj, sadex qorax madow:mid bari kadhacaya iyo mid galbeed ah iyo mid jasiirada carabta ka dhaca- ya , tan ugu danbeysa calaamadahana waa: dab ka so baxaya yaman oo dadka u eryaya meesha lagu kulminayo .

وقال صلى  الله عليه وسلم :” يخرج في آخر أمتي المهدي يسقيه الله الغيث ، وتخرج الأرض نباتها ، ويعطي المال صحاحا ، وتكثر الماشية ، وتعظم الأمة ، يعيش سبعا أو ثمانيا ، يعني حججا “رواه الحاكم في المستدرك.

Macnaha xadiiska waxa waaye : umadayda danbe waxaa kasoo baxaya mahdi , allaana  ku waraabinayo roob, dhulkana dhirtiisa ayuu  soo saari, hantidana si badan ayuu u bixi doonaa , xooluhuna wey badan,uumaduna wey weynaan ,wuxuu noolaanayaa mahdi todobo ama sided sano” .xaakim aya mustadraka ku weriyay.

Waxaana soo arooray  calamadahan in ay iska soo daba bixi doonaan sida ay isga daba daadato kuul xariga laga gooyay, hadii ay mid kamid ah soo baxdo kuwa kale ayaa racayo , marka ay calamadahan dhamaadaanna saacadi ayaa istaagi doonto.

Saacadana waxaa loola jeedaa : maalinta ay dadka uga soo bixi doonaan qubuurtooda amrka alle , si loo xissabo ,oo loogu nicmeeyo kii wanaagsanaay , lona cadaabo kii xumaay ,

قال تعالى :

¼W×éWÿWÜéS–S£mïmðžWÝYÚY…WŸ–KKV‚ô@…†_TƅW£gªØSäTPVTßVK†VÒuøVÖXM…xˆS±STßWÜéSµYTÊéSÿ(43) »  [سورة المعارج، الآية:43].

Macnaha aayada waxaa waaye:” maalinta ay ka baxayaan qubuurtooda si deg deg ah ayagood moodo in calaamado loo taagay ay deg degayaan ”

Maalitanna quraanka wuxuu kusheegay magacyo badan , wxaana ka mid ah :

(1)-  maalita qiyaamo

قال تعالى :

¼:‚WSØY©pTTTÎKR…YzóéTW~YŠYàWÙHTW~YÍ<Ö@…(1) »  [سورة القيامة، الآية:1].

Macnaha aayada waxaa waaye:” waxaan ku  dharanayaa maalinta qiyaamo ”

(2)- Qaarica

قال تعالى :

¼SàWÆY¤†fTTTTÍ<Ö@…(1)  †WÚSàWÆY¤†WÍ<Ö@…(2) »  [سورة القارعة، الآيتان:1، 2].

Macnaha aayada waxaa waaye:” tan qalbiga garaaceyso waa maxay tan qalbiga garaceyso ”

(3)- maalinta xisaabta

قال تعالى :

¼ …QWÜMX…WÝÿY¡PVÖ@…fûéPRÕYµWTÿÝWÆXÔ~X‰fTTªJðY/@…óØTSäVÖt‡…W¡WÆ=SŸÿYŸfTT®†WÙYŠN…éS©WTTßW×óéTWÿg‡†W©Y™<Ö@…(26)»  [سورة ص، الآية:26].

Macnaha aayada waxaa waaye:” kuwa ka baadiyeynayo jidka alle waxay leeyihiin cadaab daran hilmaankey hilmaameen maalinta abaal marinta darteed ”

(4)- maalinta abaal marinta

قال تعالى :

¼ QWÜMX…WèW¤†PV•SÉ<Ö@…øYÉVÖxy~Y™W–(14)  †WäWTßóéTVÕp±WÿW×`éWÿXÝÿPYŸÖ@…(15)  »  [سورة الانفطار، الآيتان:13 ، 14].

Macnaha aayada waxaa waaye:”faajiriinta naarta jaxiimo ayay ku jiraan , waxey gelayaan maalinta abaal marinta ”

(5)- dhaama (musiibo kor ka imaanayso)

قال تعالى :

¼…V¢MX†WTÊg‹ƒò:†W–SàQWÚ:†Jð¹Ö@…uüW¤`iRÑ<Ö@…(34) »  [سورة النازعات، الآية:34].

Macnaha aayadana waaye:”hadii ay timaado musiibadii weyned ”

(6)- waaqica

قال تعالى :

¼…V¢XM…YYŒWÅWTÎWèSàWÅY΅Wé<Ö@…(1)»  [سورة الواقعة، الآية:1].

Macnaha aayada waxaa waaye:” hadey dhacdo dhacdadi ”

((7)- xaaqa (tii sugneed)

قال تعالى :

¼SàPVTÎ:†W™<Ö@…(1)†WÚSàPVTÎ:†W™<Ö@…(2) »  [سورة الحاقة، الآيتان:1، 2].

(8)- Macnaha aayada waxaa waaye:” tan sugan waa maxay tan sugan ”

(9)-asaakhah (qeylo daran),

قال تعالى :

¼…W¢MX†WTÊY‹ƒò:†W–SàPVž:†Jð±Ö@…(33) »  [سورة عبس، الآية:33].

Macnaha aayada waxaa waaye:”hadii ay timaado qeyladii”

(10)- qaashiyah (daboosho)

قال تعالى:

¼`ÔWåðÐHùWTŽKV…ñÿYŸWšYàW~Y­HTWçÅ<Ö@…(1)»  [سورة الغاشية، الآية:1].

Macnaha aayada waxaa waaye:” ma kuu yimid sheekadi  dabooshada eheyd”

(  2 ) – sida loo rumeynayo maalinta aakhiro :

(A)-In loo rumeeyo si guud oo kooban ,taasoo ah inaan rumeyno in uu jiro maalin uu alle ku kulmi doono dadka oo dhan kuwi horo iyo kuwi danbe kuna abaal marin doono mid walbo camalkiisa qolana jana geli doonto qola naar.

قال تعالى:

¼ÔSTÎUfûMX…WÜkYÖPVèVK‚ô@…WÝÿX£Yž›‚@…Wè(49)WÜéSÆéSٕWÙVÖuøVÖXM…gŒHTWÍ~YÚw×éWÿw×éSTÕÅWQÚ(50) »  [سورة الواقعة، الآيتان:49، 50].

Macnaha aayada waxaa waaye:” ku dheh kuwii horo iyo kuwi danbo waa la kulmindoonaa waqti maalin la og yahay ”

(B) – in loo rumeeyo si faahfaahsan : waxaana waaye inaad rumeysid wax walba oo dhacaya dhimashada ka dib,waxaana akamid ah arrimaha so socda :

(koow) – fitnada qabriga :

waxaana  waaye su’aasha laga weydiinayo ruuxa dhintay rabigiisa iyo diintiisa iyo nabigiisa muxamad,allana waxuu ku sugayaa kuwa rumeeyay hadalka sugan , sida ay kusoo aroortay xadiisaka marka la weydiiyo wuxuu leeyahay : rabigeyga waa alle diinteydana waa islaam, nabigeygana waa muxamad “.

waxaana waajiba in la rumeeyo waxa ey sheegtay axadithta oo ah suaasha labada malak iyo sida ay tahay arintaas , iyo waxa uu ku jawaabayo ruuxa muminka ah , iyo waxa uu ku jawaabayo munaafaqa .

(labo)- cadaabka qabriga iyo nicmadiisa :

waxaa waajib ah in la rumeeyo caddabka qabriga iyo naciimkiisa , qabrigana waa god godadka naarta ka mid ah ama beer beeraha janad ah, qabrigana waa arrimaha aakhiro kan ugu horreeyo,qofka ka badbaadana waxa kadnbeeyo waa u fududyihiin,qofkaan ka badbaadina waxa ka danbeeyo ayaa uga daran,qofki dhintana qiyaamadiisa waa istaagtay .

naciimka iyo caaabka wexey ku dhacayaan ruuxda iyo jirka qofka dhintay labadaba , in ay ruuxda kaligeed ku dhacdana waa lagayaabaa , caddabka qabrigana waxaa leh daalimiinta , naciimkiisana waxaa leh muuminiinta rumeeyay.

Ruuxa dhintayna waa la cadaabayaa ama waa loo niciimeynayaa hala duugo ama yaa la duugin , ha la gubo ama biyo ha liqeen ama bahalo ha cuneen ama shinbiro, in la cadaabo ama loo nicmeeyo qofka dhintay waa lama huraan.

 

قال تعالى

¼S¤†PVÞÖ@…fûéS¶W£ÅSTÿ†Wä~VÕWƅQ^èSŸSçÆ$†Q^T~Y­WÆWèW×óéWTÿWèS×éSÍWTŽSàWƆJð©Ö@…Nv…éSTÕYž VK…WӅƒòfûéWÆó£YÊJðŸTW®KV…g‡…W¡WÅ<Ö@…(46)»  [سورة غافر، الآية:46].

Macnaha aayada waxaa waaye:” naarta waxaa loo soo ban dhigayaa aroor iyo fiid, maalinta ay istaagi doonto saacadda:(waxaa la leeyahay) geliya aali fircoon kan ugu daran cadaabka ”

وقال صلى الله عليه وسلم :” فلولا أن لا تدافنوا لدعوت الله أن يسمعكم من عذاب القبر ” رواه مسلم .

Macnahiisa waa: hadii aadan is duugi leheyn waxaan alle ka baryi lahaa in uu idin maqashiiyo cadaabka qabriga .

(Sadex)- afuufida boonka :

Boonka waa gees uu afuufayo Malaga la yiraahdo “israafiil”-nabadi dushiisa ha ahaatee- , afuufka hore markuu afuufo abuurka oo dhan wey dhimanayaan ruuxuu alle doono maahane , kadib ayuu hadana tii labaad afuufayaa markaa bey khalaaiqda dhan soo baxayaan kuwi la abuuray marki aduunka la aburay illaa ay saacada kaistaageyso.

قال تعالى :

¼WœYÉSTßWèÁX¤éJñ±Ö@…WÌYÅW±WTÊÝWÚÁg‹.WéHTWÙQW©Ö@…ÝWÚWèÁX³¤KKV‚ô@…‚PVMX…ÝWڃò:†W®$JðS/@…QWØR’WœYÉSTßYã~YÊuüW£žKR……W¢MX†WTÊ`ØSåc׆W~YÎWÜèS£ñÀ¹ÞWTÿ(68) »  [سورة الزمر، الآية:68].

Macnaha aayada waxaa waaye:” waxaa la afuufay boonki weyna suuxeen wixi ahaa samooyinka iyo wixii ahaa dhulka qofkuu alle doono mooyaane , kadib baa hadana la afuufay mid kale waaba ayagoo istaagasan oo ku fiiranayo ”

وقال صلى الله عليه وسلم :” ثم ينفخ في الصور فلا يسمع أحد إلا أصغى ليتا ورفع ليتا ، ثم لايبقى احد إلا صعق ، ثم نزل الله مطرا كأنه الطلل ، فتنبت منه أجساد الناس ، ثم ينفخ فيه أخرى فإذا هم قيام ينظرون” رواه مسلم .

Nabiga wuxuu yiri: “…kedib waxaa la afuufyaa boonka ,  mana maqalayo ruux illaa uu daanna ku dhegeestay daanna kor u qaaday , dabadeedna ma haryo ruux aanan suuxin , kadibna alle baa roob soo dejinayo khafiif ah , jirka dadka ayaana ka soo dhalanayo , kedib baa hadana afuufki labaad la afuufayaa, waaba ayagoo istaagsan oo ku soo eegayo.

(Afar) –  soosaridda:

soosaaridu waa nooleynta alle uu nooleynayo meetka marki la afuufo boonka afuufka labaad , oy dadkana u istaagaan rabiga caalamiinta , kana baxayaan qubuurtooda iyaga oo u deg degaya halki la istaagi lahaa,iyagoo kaba l’a ,qaawan , baajo qab ah , waxba cadeyn kareen , waxna wadan.

Istaaguna waa dheeraanayaa qoraxdana way soo dhawaan,kuleelkana waa kordhayaa, dhidid ayaana liqi doono adka, dadka qaar qoobka ayuu u gaari, qaarna jilbaha , qaarna dhexda , qaarna naasaha, qaarna garbaha,qaarna wuu qarin doonaa , qof walbana camalkiisa ayay ku xirantahay.

Soo saariduna waa xaq ku sugan, daliilna waxaa u ah: sharciga iyo dareenka iyo caqliga :

(1)-sharciga : aayada badan iyo axaadiith saxiix ah ayaa sheegaya in uu sugan yahay .

قال تعالى :

¼ … ÔSTÎuøVÕWTŠøQYTŠW¤WèQWÝST‘WʼnTSVÖ… »  [سورة التغابن، الآية:7].

Macnaha aayada waxaa waaye:” ku dheh waaba sidaase waxaan ku dhaaratay rabigeeye waa leydin soo saari ”

قال تعالى :

¼†WÙVÒ:†WTßK<…WŸWTŠðÓQWèKV…wÌ<ÕWžI&SâSŸ~YÅPRTß…»  [سورة الأنبياء، الآية:104].

Macnaha aayada waxaa waaye:” sidaan u billawnay kii ugu horeeyay abuurka ayaan u soo celineynaa ”

وقال صلى الله عليه وسلم:”ثم ينفخ في الصور فلا يسمع أحد إلا أصغى ليتا ورفع ليتا،ثم لايبقى احد إلا صعق،ثم نزل الله مطرا كأنه الطلل، فتنبت منه أجساد الناس،ثم ينفخ فيه أخرى فإذا هم قيام ينظرون”رواه مسلم .

قال تعالى :

¼ …WӆWTÎÝWÚgø™STÿWØHTðÀ¹YÅ&lt;Ö@…ƒøYåWècy~YÚW¤(78)ÔSTΆWä~Y~`mïmñšv÷Y¡PVÖ@…:†WåVK†W­ßVK…ðÓPVèKV…$xáQW£WÚWéSåWèPXÔRÑYTŠÌ<ÕWž}y~YÕWÆ(79)»  [سورة يس، الآيتان:78، 79].

Allena wuxuu yiri isagoo noo sheegayogaaladi waxa ay dheheen:” waxuu yiri kee nooleyneyo lafaha iyagoo dhamaaday? , ku dheh waxaa nooleyhaa kii abuuray marki ugu horreeyday, asigaana abuur walba ogaal badan u leh ”

( 2-)dareenka: waxaa xaqiiqa ah inuu alle ku tusay adoomankiisa aduunka nooleynta metka, surada al baqarana shan tusalo ayuu allekusheegay wexeyna kala yihiin:qomki muuse uu alle nooleeyay kadib markuu dhinsiiyay,ninki rer banii israail ay dileen kadibna alle noolaysiiyay,kuwii ka bexeen guryahooda carar ey ka cararayaan dhimasho ee alle yiri dhinta kadibna nooleeyay, kii maray toolada oo yiri siduu alle u nooleynaya ee alle dhinsiiyay kadibna nooleeyay,iyo shinbirti nabi ibraahin ee alle dilay kadibna nooleeyay.

( 3)-caqligana,laba dhinac ayuu daliil uga yahay:

(a)- alle waa kii abuuray samooyinka iyo dhulka , iyo waxa dhexdooda ah , bilawba , kan awoodo bilawga abuurkana ma awoodi waayo soo celinteeda .

(b)- waxaan aragnaa dhulka oo nolol leheyn markuu alle ku soo dejinyo roobna wuu cagaaran soona saari noc walba oo quruxsan , allihi awooday inuu  nooleeyo marka ay dhimatay ka dib wuu awoodaa inuu nooleeyo metka .

(shan)- kulmiga iyo xisaabta iyo abaalmarinta ;

waxaan rumeeneynaa in lasoo kulmi doono dadka lana weydiin doono , laguna kala xakumi cadaalad , lagana abaal marin doono acmaashodi .

قال تعالى :

¼ …óØSäHTWTßó£W­WšWèóØVÕWTʤY †WçÅSTßóØSäÞYڅ_ŸWšVK…(47)»  [سورة الكهف، الآية:48].

Macnaha aayada waxaa waaye:” waan kulminay kamana tegin ruux ayaga ka mid ah”

قال تعالى :

¼†QWÚVK†WTÊóÝWڃøYTŽèRK…ISãW‰HTWTYÒ-YãYÞ~YÙW~YŠSÓéSÍW~WTÊS×Sê:†WåN…èSòW£<Î@…ãW~Y‰HTWTYÒ(19)øYPTßMX…ñŒÞWTÞVÀºøTPYTßVK…ÌðHTTÕSÚãW~YŠ†W©Yš(20)WéSäWTÊÁxàW­~YÆxàW~Y¶…WQ¤(21) »  [سورة الحاقة، الآيات:19-21].

Macnaha aayada waxaa waaye:” ruuxii kitaabkiisa midigta laga siiyay waxow leeyahay waakane akhriya kitaabkeyga , aniga waxaan u maleeyaya inaan la kulamayo xisabteyda , asiga nolol raal geliso ayuu ku noolaan ”

 

قال تعالى :

¼†QWÚKV…WèóÝWڃøYTŽèRK…ISãW‰HTWTYÒ-YãYֆWÙY­YŠSÓéSÍW~WTÊøYÞWTT~VÕHTTWÿyVÖð‹èRK…ãW~Y‰HTWTYÒ(25)yVÖWèX¤ VK…†WÚãW~YŠ†W©Yš(26) »  [سورة الحاقة، الآيتان:25 ، 26].

Macnaha aayada waxaa waaye:”kiise kitaabkiisa laga siiyo bidixda wuxuu leeyahay shalaytadeydey leyma siin kitaabkeyga , mana ogaanin xissabteyda ”

Xashrigana waa: dadka oo loo soo wado istaagi lagu xisaabi lahaay .

Farqiga u dhexeeya soo saarida iyo kulmintana waxa waaye : soo sarida waa nafta oo loosoo celiyo jirka, kulmintana waa dadka lasoo saaray.

Xisabta iyo abaal marintana waxa waaye : in uu istaajiyo alle adoomanka hortiisa , una sheego acmaashi ay sameeyeen , xissabinta muminiintana waa in alle u soo bandhigo acmaashoodi si ay u ogaadaan naxariista alle ee dushooda ahaatay ahna asturka aduunka iyo danbi dhaafika aakhiro .

Waxaana loo kulminayaa sida uu iimaankooda yahay , malaaik ayaana qaabileyso uguna bishaareyneyso janada , wexeyna ka megan gelineysaa cabsi, iyo musiibada maalinkaan , wajiyada kuwa rumeeyay wey ifi , nuuri , qosli , bishaareysan.

Kuwa beeniyay oo jeestayna waxaa lagu xisaabihaa xisaab adag iyo wax walba oy sameeyeen yar iyo weyn, waxana lagu jiidayaa wajiga maalinta qiyaamo dulen laduleynayo iyo abaal marin looga abaal marinayo waxey gacmahooda hormariyeen iyo waxey benijireen

Dadka ugu horreyo oo la xisaabinayo maalinta qiyaamo waa ummada nabi muxamad-naxariis alle iyo nabadi dushiisa ha ahaatee- , waxaana ka mid ah todobaatan kun oo gelayo janada xisab la’aan iyo cadaab la,aan towxiidkooda oo dhameestiran owgiis , waana kuwa uu ku tilmaamay nabiga xadiithka soo socda :

“لا يسترقون ولا يكتوون ولا يتطيرون وعلى ربهم يتكلون ” ومنهم الصحابي الجليل عكاشة بن محصن رضي الله عنه

Waa kuwa aan tufid dalbeyn ,is gubeen ,baaseysaneyn,rabigoodna tala saaranayo. waxaana kamid ah saxaabiga weyn cukaashah bin muxsin raali allaha kanaqdee.

Waxa ugu horreeyo oo laga weydiinayo adoomka xuquuqda alle waa salaada, waxa ugu harreyo oo laga weydiinayo xuquuqda adoomankana waa  dhiiga .

(Lix )-  darka

Waxaan rumeyneynaa darka nabiga -naxariis alle iyo nabadi dushisa ha ahhtee-waana dar weyn iyo dhaan deeqsi ah , biyahana wexy uga yimaadaan webiga “kowthar” layihaado oo janada kuyaal,waxaan u soo aroorayo mumin- iinta umada nabi muxamad .

Tilmaamihiisana waxaa ka mid ah : waa mid  ka cad caanaha , ka qabow brafka , ka mac malabka , ka udgoon miski (cadar aad u udgoon),aad ayuuna u balaranyahay,  balla- ciisa iyo dhirirkiisana waa isla egyahay, dhinac walba oo dhinacyadiisa ka mid ahna inti bil  loo socdo ayuu jiraa, laba masharaaf oo janada uga keenaya ayuu leeyahay , weelashiiisana wey kabadan yihiin xidigaha cirka , qofki hal kabasho ka cabana weligii ma oomayo .

قال النبي صلى الله عليه وسلم : ( حوضي مسيرة شهر ،  ماؤه أبيض من اللبن ، وريحه اطيب من المسك ، وكيزانه كنجوم السماء ، من شرب منه فلا يظمأ أبدا ) رواه البخاري .

Nabiga wuxuu yiri : darkeygu waa inti bil lo socdo , byihiisan wey ka cadyihiin caanaha ,  weyna ka udgoonyihiin miski, weelashiisunaxidigaha ayay la mid yihiin , ruuxi ka cabo ma oomayo waligii ” bukhaari baa weriyay.

(Todobo) -shafaacada :

Markuu mowqifku(istaagu) dheeraado beladuna adkaato, waxey dadku socanayaan shafeeco qaad loo weydiinayo rabigood si uu ukala xisaabiyo,markaa bey cudur daaranayaan kuwi goaanka lasiiyay oo ugu fadliga badnaa rusuulada, illaa ay u yimaadaan nabi muxamad -naxariis alle iyo nabdi dushiisa ha ahaatee- markaa buu istaagayaa istaag ay ku mahdinayaan kuwi hore iyo kuwi danbe , waxana cadaaneyso darajada weyn uu leeyahay , markaa buu sujuudayaa carshiga hoostiisa ,allaana ku hanuuninayo mahad uu ku  mahadinayo alle kuna weyneynayo, markaa buu u idmayaa in uu u shafaaco qaado khalqiga si lookala xakumo kadib markuu ku dheeraaday istaaga dhib iyo murug eeyan awoodina ku dhacday.

قال صلى الله عليه وسلم : إن الشمس تدنو يوم القيامة حتى  يبلغ العرق نصف الأذن فبينما هم كذلك ، استغاثوا بآدم ثم بابراهيم ثم بموسى ثم بعيسى ثم بمحمد صلى الله عليه وسلم ، فيشفع ليقضي بين الخلق فيمشي حتى يأخذ بحلقة الباب ، فيومئذ يبعثه الله مقاما محمودا يحمده أهل الجمع كلهم ) رواه البخاري .

nabiga wuxuu yiri :” qoraxda ayaa soo dhawaaneyso maalinta qiyamo , inti uu ka garo dhididka dhegta barkeed , iyagoo sidaa ah ayay wexey gargaar weydiisanayan aadan kadibna ibraahiin kadibna muuse ka dibna ciise kaibna muxamad naxariis alle iyo nabadi dushiisa ha ahaatee- markaa buu u shafaaca qaadayaa si look ala xukumo khalqiga,wuuna socan ilaa duleelka albaabka uu kagaaro,maalintaas buuna alle ku soo sarayaa maqamki lamahdiyay oy ku mahdinayeen dadka kulanka joogo oo dhan”.bukhari baa weriyay .

Shafaacadaan waaye tan la dhaho shafaacada weyn ow rasuulka gaar u yeeshay , waxana u sugnaaday shafaacooyin kale , waxaana kamid ah :

(1)-shafaaca qaadka uu u shafaaca qaadayo ahlu janada in ey galaan janada , daliilkeedana waa hadalki nabiga :

قال صلى الله عليه وسلم:” أتي باب الجنة يوم القيامة فاستفتح، فيقول الخازن من أنت؟ قال:فأقول : محمد ، فيقول : بك أمرت، لا أفتح لأحد قبلك ” رواه مسلم .

Nabiga wuxuu yiri: waxaan imaanayaa albabka janada maalinta qiyaamo, markaa baan in layga furo dalbayaa? markaabuu ilaliyihi dhihi: wa kuma adiga. markaa ban leeyahay : waa muxamad , markaa buu leeyahay: adiga inaan kuu furo ayaa ley amray , umana furayo ruux hortaa ” muslim ayaa weriyay.

(2)-u shafaaca qaadkiisa qoom uu is la ekaaday wanaagooda iyo xumaantooda, in ey janada galaan , sidaanna waxaa qabo culimada qaar ka mid ah , xadiith saxiix ah oo kusoo aroorayna ma jiro.

(3)-u shafaaca qaad qoom muteen in ey naarta galaan in aysan gelin , shafaacadaanna waxey soo hos gelaysaa xadiithkaan soo socda:

قال صلى الله عليه وسلم :” شفاعتي لأهل الكبائر من أمتي”

Macnihiisunayahay : shafaacadeyda waxaa leh dadka danbiyada waaweyn geestay oo umadeyda ka tirsan “.abu dawud ayaa weriyay.

(4)- shafaacada uu u qaadayo ahli janada inn darajadooda kor loo qaado , waxaana u daliila :

قوله صلى الله عليه وسلم :””اللهم اغفر لأبي سلمة وارفع درجته في المهديين” رواه مسلم

macnihiisana yahay:allow abii slama danbigiisa dhaaf, darajadisana mahdiyiinta kor ugu qaaad .muslin baa wariyay.

(5)-shafaaca qaadka uu u shafaaca qaadayo qoom gelayo janada xisaab la aan iyo cadaab la aan , waxaana daliil u ah xadiithka cukaasha ibn muxsin uu nabiga ku sheegay todobaatanka kun oo janada xisaab la aan iyo cadab la aan , gelayo .markaa buu weydistay cukaasha inuu  nabiga alle u weydiiyo inuu kamid noqdo markaa buu nabiga yiri :

“اللهم اجعله منهم ”

“allow ka mid yeel ayaga ” saxiix .

(6)-shafaaca qaadka uu u shafaaca qaadayo kuwa danbiyada waa weyn la yimaadeen oo umadiisa ka tirsan oo naarta galeen in ay kasoo baxan , waxaana u daliila xadiithki lasoo dhaafay oo ahaa:

 

شفاعتي لأهل الكبائر من أمتي ” ”

Iyo xadiithkaan :

وقوله صلى الله عليه وسلم :” يخرج قوم من النار بشفاعة محمد صلى الله

عليه وسلم فيدخلون الجنة يسمون الجهنميين ” رواه البخاري .

Uu macnihiisu yahay:waxaaa uga baxayo naarta qoom shafaacada muxamad –naxariis alle iyo nabadi dushiisa ha ahaatee- waxeyna gelayaan janada,waxaa lagu magacaaba jahanamiyin” bukhari baa weriyay .

(7)shafaaca uu u qaadayo kuwa naarta galay in laga khafiifiyo cadaabka, sida adeerkiis abuu daalib , waxaana u daliil ah :

قوله صلى الله عليه وسلم :” لعله تنفعه شفلعتي يوم القيامة فيجعل في ضحضاح من الناريبلغ كعبيه يغلي منه دماغه “متفق عليه.

Macnihiisana yahay: waxaa lagayaabaa in ay anfacdo shafaacadeyda maalinta qiyaamo , ee la geliyo meel aan god dheer aheyn oo naarta ka tirsan, wexey gaareysaa qoobabkiisa , maskaxdiisa ayaana la burineyso ” waa lesku raacay .

shafaacadana alle aktiisa lagama aqbalayo laba shardi la’aantood:

(A)-alle inuu raali kayahay kan shafaaca qadayo iyo kan loo shafeeco qaadayo .

(B)- alle inuu u idmo kan shafaaco qaadayo inuu shafaaco qaado .

waxaana daliil u ah labadaa arimood aayadaha soo socda:

قال تعالى :

¼‚WWèfûéSÅWÉpT­WTÿ‚PVMX…XÝWÙYÖuøWµWTŽ`¤@……»  [سورة الأنبياء، الآية:28].

Macnaha aayada waxaa waaye: “uma shafeeco qaadayaan ruxow alle raali kayahay mooyaane qof kale ”

قال تعالى :

¼ …ÝWڅV¢÷Y¡PVÖ@…SÄWÉpT­WTÿ,ISâWŸÞYƂPVMX…-&YãTYß<¢MX†YŠ…»  [سورة البقرة، الآية:255].

Macnaha aayada waxaa waaye:” kee baa ka shafeeceynayo agtiisa qof uu u idmo mooyane”

(Sided)-  miizaanka :

Miisaanka waa xaq waajiba in la rumeeyo , waana waxa uu alle u taagi doono maalinta qiyaamo si loo miizaano acmaasha adoomanka , loogana abaal mariyo, waana miisaan la dareemayo labo kafad iyo carab leh, waxana lagu miisaanayaa acmaasha, ama suxufti acmaasha ku qorred, ama ruuxa laftigiisa , kulligood waa la miisaanayaa, laakiin culeeska iyo fudeedka la doonayo waa kan camalka , ee ma aha kan camalka sameyay a ama suxufta .

قال تعالى :

¼SÄWµWßWèWÝÿX¦.WéWÙ<Ö@…ð¸©YÍ&lt;Ö@…YzéW~YÖYàWÙHTW~YÍ<Ö@…ð„TWTÊSØVTÕ<À¹STŽc¨pTÉWTß$†T_LTT~W®ÜMX…WèW܆W{WӆfTTT͑YÚxàTUfTTT‰WšóÝYQÚ]ÓW ó£Wž†WTÞ`~WTŽVK…%†WäYŠuøWÉW{Wè†WÞYŠfûkY‰Y©HTWš(47) »  [سورة الأنبياء، الآية:47].

Macnaha aayada waxaa waaye:” waxaan u dhigeynaa miizanadi cadaalada maalinta qiyaamo , lama dulminayo naf waxba , haba ahado wax ku miisaana xabad khardala(waxa u yar) waan keenay, waana ku filannahay xisaabiya yaal ”

قال تعالى :

¼SܦWé&lt;Ö@…Wè]¡MXùWÚéWÿ&SQÌW™<Ö@…ÝWÙWTÊpŒVÕSÍV’ISãTSÞÿX¦.WéWÚðÐTMXùT;HTðTÖOèKR†WTÊSØSåWÜéS™YpÕÉSÙ<Ö@…(8)óÝWÚWèpŒPVÉWžISãTSÞÿX¦.WéWÚðÐTMXùT;HTðTÖOèKR†WTÊWÝÿY¡PVÖ@…Nv…èS£Y©WžØSäW©SÉßKV…†WÙYŠN…éST߆V҆WÞYHTWTÿ†LWTTYŠWÜéSÙYÕ<À¹Wÿ(9) »  [سورة الأعراف، الآيتان:8 ، 9].

Macnaha aayada waxaa waaye:”ruuxi uu cuslaado miisankiisa  kuwaas ayaga waaye kuwa liibaanay, ruuxow fududaado miisaankiisa kuwaas waaye kuwa qasaaaray naftooda, wexey ahaayeen kuwa aayadaheena dulmiya darted ”

وقال صلى الله عليه وسلم :” الطهور شطر الإيمان ، والحمد لله تملأ الميزان

Wuxuu yiri nabiga: Dahuurka waa iimaanka barkiis , alla ku mahdina miisaanka ayay buuxisaa” muslim ayaa weriyay.

وقال صلى الله عليه وسلم :” يوضع الميزان يوم القيامة فلو وزن فيه السموات والأرض لوسعت ” رواه الحاكم .

Macnihiisana: miisaanka ayaa ladhigayaa maalinta qiyaamo,hadii lagu miisaano samooyinka iyo dhulkana waa qaadi lahaa. ” xaakim ayaa weriyay.

(Sagaal) – siraadka :

Waxaan rumeynay siraadaka oo ah jisri ama buundo la dulsaaray jahanamo , waana jid aaad u cabsi badan, waxaa loo  mrayaan janada , dadka qaar il biriqsi ayay ku marayaan , qofna sida biriq, qofna sida dabeel ,qofna sida shinbir , qofna sida fardo orod badan, qofna sida rar jiid, isagoo rucleynayo, kan ugu danbeeyo kuwa marayo waa lajidayaa jiiditaan , wexeyna ku marayaan acmaashoooda inta ey aa egtahay illaa uu ka maro kan uu nuurkiisa la egyahay suulka lugtiisa, qaarna waa la dafaya oo lagu tuuri naarta , qofki dul maro siraadkana janada ayuu gelayaa .

Qofka u horreeyo oo marayana waa nabigena muxamad-naxariis alle iyo nabadi dushiisa ha ahaatee- ka dibna umadiisa , mana hadlayo maalintaa rususha mooyaane ruux kale , rususha ducadoodana maalintaa waa: allow nabadgeli allow nabadgeli , jahamana wexaa dhex ahaaday mudacyo galoolan oo ku yaalo siraadka labadiisa dhinac –alle kaliya ayaa tiradooda garanayo –wexey dafeysaa qofkuu doono alle oo khalqigiisa ka tirsan .

Tilmaantiisana waxaa kamid ah : seef waa ka af badanyahay , tintana waa kayar yar yahay , waa sibibax aan cagtu ku istaageen (qofkuu alle ku istaajiyo mooyaane) , meel mugdiya ayuuna ka taaganyahay , waxana la dirayaa amaanada iyo qarabada, wexeyna  istaagayaan siradka labadiisa dhinac si ay ugu marqaati kacaan qofki ilaaliyay ama kii dayacay.

قال تعالى :

¼ÜMX…WèyRÑÞYQڂPVMX…&amp;†WåS Y¤…WèW܆VÒuøVÕWÆðÐQYTTŠW¤†_TٍWš†^QT~YµpTÍTQWÚ(71)QWØST’øYQ•WTÞSTßWÝÿY¡PVÖ@…N…éWTÍPVTŽ@…S¤W¡WTßQWèfûkYÙYÕHTJðÀ¹Ö@…†Wä~Yʆ^QT~Y‘Y–(72)   »  [سورة مريم، الآيتان:71، 72].

Macnaha aayada waxaa waaye:” ma jiro ruux idinka mid ah illaa uu u soo aroorayo (jahanamo ) waxow ahaaday(aroorkaas) alle dushiis wax waajib ku ah la dhameeyayna , ka dibna waxaan badbaadineynaa kuwa dhoors- ady (alle ka baqay) , daalimiinta waxaan uga tegeynaa dhexdeeda ayagoo jilbaha u fadha ”

وقال صلى اله عليه وسلم :” ويضرب الصراط بين ظهراني جهنم فاكون أنا وأمتي أول من يجيزه ” رواه مسلم . :

nabigana wuxuu yiri : waxa la dhigi doonaa siraadka jahanamo dusheeda,waxaana ahaana- yaa aniga iyo umadayda kuwa ugu horeyo ee ka gudbo.” Muslim ayaa weriyay..

Waxaa kale uu yiri :
ويضرب جسر جهنم .. فأكون أول من يجيز ودعاء الرسل يومئذ اللهم سلم سلم” متفق عليه “

Macnahana : waxaa la dhigi doonaa jisriga jahanamo,waxaana ahaanayaa kan ugu horeeyo ee ka gudbo , ducada rusushana maalinkaas waa: allow nabadgeli allow nabadgeli”

abu saciid al khudri waxuu yiri :” waxaa isoo gaaray in buundada ay ka yar yar yartahay tinta , kana af badan tahay seefta ” muslim baa weriyay.

 

Nabigana wuxuu yiri.

قال صلى الله عليه وسلم:” وترسل الأمانة والرحم فتقوم على جنبي الصراط يمينا وشمالا ، فيمر أولكم كالبرق ….ثم كمر الريح ، ثم كمر الطير وشد الرحال ، تجزى بهم أعمالهم ، ونبيكم قائم على الصراط ، يقول : رب سلم سلم ، حتى تعجز أعمال العباد ، حتى يجيء الرجل فلا يستطيع السير إلا زحفا قال وعلى حافتي الصراط كلاليب معلقة مأمورة بأخذ من أمرت به فمخدوش ناج ومكدوس في النار ” رواه مسلم .

Macnihiisana : “… waxaa la dirayaa amaanada iyo qaraabada ,waxey istaageysaa siraadka labadiisa dhinac midig iyo bidix , wuxuuna u marayaa kina ugu horreeyo sida biriq … kadib- na sida socodka dabeesha,kedibna sida socodk- a  shinbirta , kedibna sida jiididararka, waxaa lagu marinayaa acmaashooda, nabigiinana sira- adka ayuu istaagsanyahay wuxuuna  leeyahay : allow nabad deli allow nabad geli , inta ay ka  caajisto  acmaasha  adoomanka,uu  ka yimaado ninka awoodina waayo socod inuu doboda ku riigto  maahane , labada dhinac  ee siraadkana waxaa ah kalaaliib taagan oo amran in ay qaado qofki loo amro ,  mid asoo dhaawacan badbaado iyo mid lagu tuuro naarta ” muslim baa weriyay.

 

(Toban) – qandarada (buundo)

Waxaan rumeyneynaa muminiinta marka ay dhaafan siraadka in la istaaji doono buundo , u dhexeyso janada iyo naarta, si loogu kala qisaaso inta aynan janada gelin , marki la saafi yeelo ayaa loo idmayaa gelida janada .

قال صلى الله عليه وسلم :” يخلص المؤمنون من النار فيحبسون على قنطرة بين الجنة والنار ، فيقتص لبعضهم من بعض مظالم كانت بينهم في الدنيا حتى إذا هذبوا ونقوا أذن لهم في دخول الجنة ، فو الذي نفس محمد بيده لأحدهم أهدى بمنزله في الجنة منه بمنزله كان في الدنيا ” رواه البخاري .

Nabiga wuxuu yiri:”waxaa laga badbaadinayaa  muminiinta naarta , waxaana la istaajinayaa buundo u dhexeyso janada iyo naarta, markaa baa looga kala aarayaa dulmiyo dhexdooda eheyd Markey aduunka joogen ,marki la siffee- yana waxaa loo idmaa gelida janada , waxaan ku dhaartay kii nafta muxamad gacantisa ay ku jirtaye midkood waa kayaqan guriga uu janada ku leyahay kan uu ku lahaa aduunka ” bukhari baa weriyay.

(Kow iyo toban) –  janada iyo naarta :

Waxaan rumeyneynaa janda in ay xaq tahay , naartana xaq tahay , jiraanna, dhamaaneynna , daaimna yihiin , naciimka ahlu janadana ma dhamaanayo mana suulayo , cadaabka ahlu naarka uu alle ku xukmiyay in ay ku waaraannaweligii ma goayo, muwaxidiintana(alle kali yeelay) waxaa looga saarayaa naarta haday galaan shafeeco qaaad , ama naxariista kan ugu naxariis badan kuwa naxariisto.

Janadana waa daarti karaamada ee alle u diyaariayay , waxaa dhexdeeda ahaaday wabiyo socdo iyo qolol sareeyo , iyo naago wanaagsan , waxaana dhexdeeda ahaaday wax walba oy nafta jeceshahay , ishana macaansato ,ilna eyan arag,dheguna maqlin, qalbi basharna kusoo dhicin , ma dhamaanayo mana  go ayo, iyagoo waarayo gudaheeda, in u dhiganto karbash oo ayada ka mid ah ayaa ka kheyr badan dunida iyo waxa dhexdeeda ahaaday , udgoonkeedana wuxuu gaarayaa meel afartan sano loo socdo,naciimkeeda kan u weynna waa aragtida ay miminiinta indhahooda ka  arkayaan rabigood .

Gaaladuna aragtida rbigood waa laga qariyay , qofki diiday oo inkiray aragtida muminiinta rbigood waxow kala mid dhigay gaalada loo diiday .

Janadana waa toban darajo , darajad walba iyo tan xigto waxaa u  dhexeeyo inta u dhexeyso samada iyo dhulka oo kale , janada u sareysana waa fardowso , carshiga alle ayaana saqaf u ah , waxeyna leedahay sided albaab , albaab walbana labadiisa dhinac waxey isku jiraan inta ay isku jiraan maka iyo hajar , waxaana imaandoonto maalin uu cariiri la buuxo , ahlu janada kuwa ugu darajo hooseeyo waxey leeyihiin aduunka oo kale iyo tobankiis .

قال الله تعالى عن الجنة :

¼p‹PVŸYÆRK…WÜkYÍPVSÙ<ÕYÖ(133)   »  [سورة آل عمران، الآية:133].

Macnaha aayada waxaa waaye:” waxaa loo diyaariyay kuw alle ka cabsaday”

وقال تعالى عن خلود أهل الجنة وأنها لا تفنى :

¼ØSåSê:…W¥TW–WŸÞYÆóØXäQYTŠW¤ñŒHTTPVÞTW–xܟWÆ÷X£•WTŽÝYچWäYpT™WTŽS£HTWäTßKKV‚ô@…WÝÿYŸYÕHTWTž:†Wä~YÊ$…_ŸTWTŠKV…ƒøY¶QW¤JðS/@…óØSäÞTWÆN…éS¶W¤Wè&amp;SãTTÞTWÆWÐYÖ.W¢óÝWÙYփøTTY­WžISãTQWTŠW¤(8)»  [سورة البينة، الآية:8].

Macnaha aayada waaa :” abaal marintooda alle aktiisa waa jannooyinka cadni, waxaa socdo hoosteeda wabiyada ayagoo ku waaraya waligood, allaa ka raali noqday , iyaguna wey ka raali noqdeen , kaasna wuxuu u sugnaaday kuwa ka cabsaday rabigood ”

Naartana waa darti cadaabka , uu alle u diyaa- riayay gaalada , iyo kuwa caasiyay , waxaa dhexdeeda ahaaday cadaab kan ugu daran iyo ciqaabyo kala duduwan , ilaaladeedana waa malaaik aad u adadag una daran , gaaladana way ku waarayaan , cuntadoodu waa zaquum (geed) cabitankoodana wa biyo kulul , naarta aduunka waa qebka mid ah todobaatan marki loo qeybiyo kulelka jahanamo , wexeyna dheertahay lixdan iyo sagaal qeeb oo lamid ah ama ka kulul kana daran .

nartaanna kama daaleyso qofki la dhexdhigo oo lagu turo salkeeda , iskabadhaafe wexey leedahay siyaaado majirtaa? , todobo albaab beyna leedahay , irid kastana wexey leedahay qadar qeybsan.

قال تعالى عن النار:

¼p‹PVŸYÆRK…WÝÿX£YÉHTVÑ<ÕYÖ(131) »  [سورة آل عمران، الآية:131].

Macnaha aayada waxaa waaye:” waxaa loo diyaariyay gaalada ”

 

وقال تعالى عن خلود أهل النار وأنها لا تفنى :

¼QWÜMX…JðW/@…WÝWÅVÖWÝÿX£YÉHTVÑ<Ö@…JðŸTWÆVK…WèóØSäVօ[¤kYÅWª(64)WÝÿYŸYÕHTWTž:†TWä~YÊ$…_ŸWTŠKV……»  [سورة الأحزاب، الآيتان:64 ،65].

Macnaha aayada waxaa waaye : ” alle waa lacnaday gaalada wuxuuna u diyaariyay saciiro ayagoo ku waaraya waligood ”

( 3 ) – miraha laga helayo rumenta maalinta aakhiro :

Rumenta maalinta aakhiro waxey leedahay miro waa wyn  waxaana kamid ah :

(1)-rabida falka daacaadka iyo ku dadalkeeda , ajir alle laga rabo dartiis .

(2)- ka baqaida ficilka macsidaa iyo in raali laga noqdo , cabsi laga cabsanayo cadaabka maalinkaas dartii .

(3)- niyad dhisa muuminka,uu ku ogaanayo waxa ku dhaafayo  aduunka inuusan waxba aheyn , alle wuxuu ka rajeynayana aakhiro ey ka weyn yihiin kana wanaagsanyihiin.

(4)-Rumenta soo saarida waxey asal u tahay sacaadada ruuxa iyo ummada, maxaa yeelay insaanka haduu  rumeeyo alle inuu soo sarayo  khalqiga Markey dhintan kadib,kuna  xisaabinayo, abaal marinayana acmaashoda , ugana aarayo  kan la dulmiyay dulmilowga, xataa xayawanka , ruuxi arinkaa rumeeyo wuxuu ku toosayaav daacadda alle, sharta raadkeedna way go’aysaa, kherkana umadoo dhan buu wada gaarayaa, wanaag iyo xasiloonidana caam bey noqoneysaa.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Rukniga lixaad

Rumeenta dhacdada

(1) – Cadeenta qadarka iyo ahamiyada ay rumeentiisa leedahay :

Qadarka waa : qadarinta alle waxayaabaha jooga koonka , kuna qadariyay sida cilmigiisu ahaay , xikmadiisuna yeeshay , qadarkuna wuxuu u noqonayaa awooda alle , iyo in uu asiga wax walba awoodo samaynayana wuxuu doono .

Rumeenta qadarkana waxey ka tirsantahay rumenta rabinimada alle , waana mid kamid ah arkaanta iimaanka , mana dhameestimayo iimaanka adoonka asiga la’aantii.

قال تعالى :

¼†PVTßXM…QWÔRÒ]òpøW®SãHTWTÞpTÍVÕWžx¤WŸWÍYŠ(49) »  [سورة القمر، الآية:49].

Macnaha aayada waxaa waaye:” anagaa wax walba ku abuurnay qadar iyo qiyaas ”

وقال صلى الله عليه وسلم :” كل شيء بقدر حتى العجز والكيس و أو الكيس والعجز” رواه مسلم

Nabigana wuxuu yiri : wax walba waa  qadar xataa awood la aanta iyo caqli badnida , ama caqli badnida iyo awood la aanta ” muslim baa weriyy.

(2) – darajooyinka qadarka :

Rumenta qadarka ma dhamestirmeyso hadii aan la xaqiijin  afar martabo , oo kala ah :

(1)-Rumeenta cilmiga alle oo waligii jiray oo koobayna wax walba .

قال تعالى :

¼yVÖKV…óØVÕÅWTŽUfûKV…WJð/@…SØVÕÅWTÿ†WÚÁYò:†WÙUfTT©Ö@…X%³¤KKV‚ô@…WèQWÜMX…ðÐYÖ.V¢Á]&ˆHTWTYÒQWÜMX…ðÐYÖ.V¢øVÕWÆJðY/@…c¤kY©WTÿ(70) »  [سورة الحج، الآية:70].

Macnaha aayada waxaa waaye:” miyaadan ogaan alle in uu ogyahay waxa samada ahaaday iyo dhulka , kaasna kitaab ayuu dhex ahaaday , kaasina alle waa u fudud yahay ”

(2)-Rumenta in lagu qoray”looxul maxfuudka ” waxa uu alle ogaaday oo ah qadarka ,

قال تعالى :

¼†QWچWTÞ<ºQW£WTÊÁgˆHTWTYÑ<Ö@…ÝYÚxòp&øTW®…»  [سورة الأنعام، الآية:38].

Macnaha aayada waxaa waaye:” kagama tegin waxba kitaabka

وقال صلى الله عليه وسلم : ” كتب الله مقادير الخلائق قبل أن يخلق السموات والأرض بخمسين ألف سنة ” رواه مسلم .

Nabiga wuxuu yiri :” wuu qoray alle waxa uu alle u qadaray khlqiga inta uusan abuurin samooyinka iyo dhulka ka hor konton kun oo sano ” waxaana weriyay muslim.

(3)-in la rumeeyo doonida alle oo fushada ah , iyo awooda alle oo wax walba soo hoos gelayaan

قال تعالى :

¼†WÚWèWÜèSò:†W­WŽ:‚PVMX…ÜKV…ƒò:†W­WÿJðS/@…Jñ‡W¤fûkYÙVÕHTWÅ<Ö@…(29)»  [سورة التكوير، الآية:29].

Macnaha aayada waxaa waaye:”ma dooneysaan alle in uu doono mooyaane , rabiga caalamka ”

وقال صلى الله عليه وسلم لمن قال له ماشاء لله وشئت :” أجعلتني لله ندا بل ماشاء الله وحده ” رواه أحمد

Nabiga wuxuu ku yiri ruuxi ku dhahay:waxuu alle doono adigana doontid :”ma waxaad iga yeeshay mid alle la mid ah , iskaba dhaafe waa waxa uu alle kaliya doono” axmad ayaa weriyay.

(4)-rumeenta alle aburihi wax walba in uu yahay .

قال تعالى :

¼JðS/@…SÌYÕHTTTWžPXÔS{x$òpøW®WéSåWèuøVÕWÆQXÔS{xòpøW®bÔ~Y{Wè(62) »  [سورة الزمر، الآية:62].

Macnaha aayada waxaa waaye:”alle waa abuurihi wax walba , asigaa wax walbana wakilka ka ah ”

قال تعالى :

¼SJðJðS/@…WèyRÑWÍVÕWž†WÚWèWÜéSTÕWÙÅWTŽ(96) »  [سورة الصافات، الآية:96].

Macnaha aayada waxaa waaye:”allaa idin abuuray iyo waxaad sameyneysaan ”

وقال صلى الله عليه وسلم:”إن الله يصنع كل صانع وصنعته”رواه البخاري

Macnaha xadiithkana waxaa waaye:’alle waxuu abuuraa sameeye walbe iyo waxa uu sameeyay” bukhaari ayaa weriyay.

( 3 ) – qeybaha qadarka :

(A) – dhacdada guud ee waxa koonka joogo oo dhan ku dhaceyso , waana waxa alle ku qoray   “looxul maxfuudka” inta uusna abuurin samooyinka iyo dhulka ka hor konton kun oo sano .

(B) – qadarka ku saabsan  da’da,waana dhacdada ku dul socoto adoonka laga bilaabo marki lagu afuufay ruuxda illaa iyo ajashiisa inta ay ka dhamaanayso .

(T) – dhacdada sanadka ah , waana dhacdada dheceyso sanad walba , waxaana la qadariyaa dhacdadaas habeenka”laylatu qadri” layiraahdo

قال تعالى :

¼†Wä~YÊñËW£pTÉTSÿQSÔRÒ£T`ÚKV…]y~YÑWš(4) »  [سورة الدخان، الآية:4].

Alle wuxuu yiri asiga oo ka hadlaya habeenkaa :”dhexdeedaa lagu kala bixiyaa amar walba oo xikmad badan ”

(J) – dhacdada maalin walba ah , waana dhacdada socoto maalin walba oo cizeyn iyo duleyn iyo siin iy u diidid iyo nooleyn iyo dilid iyo wixi la mida .

قال تعالى :

¼ISãSTÕLWTTpT©WÿÝWÚÁY‹.WéHTWÙQW©Ö@…&X³`¤KKV‚ô@…WèQWÔRÒ]zóéTWÿWéSåÁxÜ<K†W®(29) »  [سورة الرحمن، الآية:29].

Macnaha aayada waxaa waaye:” waxaa weydiinayo waxa ahaaday samooyinka iyo dhulka , maalinkastana asiga shani ayuu ku jiraa”

( 4 ) –Caqiidada salafka ee ku sabsan qadarka :

ALLE  asiga ayaa uumay wax walba rabina u eh iskana leh , waxaana xaqiiqa ah inuu qoray qadarka khalqiga inta uusan ayaga abuurin ka hor , wuxuu qoray waqtiga ay dhimanayaan iyo risqigooda iyo camalkooda iyo waxa ay u danbeyn doonaan oo liibaan ama hoog ah, wax walbana waxuu ku koobay kitaab cad , waxa uu alla doonanana wey ahaadaan  waxa uusan doonina ma ahaanin , wuuna og yahay waxa ahaay iyo waxa ahaanayo iyo waxaan ahaanin haduu ahaan lahaay siduu ahaan lahaay , wuuna awoodaa wax walba , wuxuuna hanuuniyaa ruuxuu doono , badiyeeyaana kuu dono , adoomankuna waxey lee yihin doonid iyo awood ay ku sameynayan waxa alle awood siiyo , waxayna ictiqaadsanyihiin adomanku ineyan doonayn alle in uu doono maahane

قال تعالى :

¼WÝÿY¡PVÖ@…WèN…èSŸWäHTW–†WTÞ~YÊóØSäPVÞWÿYŸ`äWTÞVÖ&†WTÞVÕS‰TSª…»  [سورة العنكبوت، الآية:69].

Macnaha aayada waxaa waaye:”kuwa nagu dadaalay waxaan ku hanuuninyanaa jidadkeena”

Allana asiga ayaa abuuray adoomanka iyo ficiladooda ayaga ayaana sameynayo sida xaqiiqada ah , xujana uguma sugnaanin alle dushiis waajib uu kategay ama xaaraan uu sameeyay , isakaba dhaafe alle asiga ayay ugu sugnaatay adoomanka dushooda xujo weyn.

Waxaana banan inaad  xujo uga  dhigatid  qadarka musiibooyinka , laakiin ma banaano in xujo looga dhigto danbiyada, waxana arrinkaas daliil u ah xadiithkaan:” mmuse iyo aadan ayaa dooday , markaa buu muuse yiri : adiga aadamki danbigiisa ka soo bixiyay janada ayaa tahay .

Aadamna wuxuu yiri : adigana muusihii alle u dooratay risaaladiisa iyo la hadalkiisa ayaa tahay markaa baad igu eedeyneysaa amar alle igu qadaray inta uusan khalqiga uumin , aadam ayana muuse ka dood badiyay.muslim aya weriyay.

( 5 ) –  falalka adoomanka :

afcaasha alle koonkaan ku uumay labo ayay u kala qeyb saman :

(A)–kuwa alle ku socodsiinayo  khalqigiisa, ruuxna taas doonid iyo doorasho kuma laha , doonidda alle uun baa iskaleh ,sida nooleynta iyo dilida , iyo cudurka iyo caafimaadka .

قال تعالى :

¼SJðJðS/@…WèyRÑWÍVÕWž†WÚWèWÜéSTÕWÙÅWTŽ(96) »  [سورة الصافات، الآية:96].

Macnaha aayada waal soo dhaafay.

قال تعالى :

¼÷Y¡PVÖ@…WÌVÕWžð‹éWÙ&lt;Ö@…WáléW~W™&lt;Ö@…WèØS{WéRՉW~YÖyRÑQSTÿKV…SÝW©`šKV…¾&„WÙWÆ »  [سورة الملك، الآية:2].

Macnaha aayada waxaa waaye:” kii abuuray dhimashada iyo nolosha si uu idiin ebteleeyo : kiinee baa camal wanaagsan”

(B) – waxa ay sameeyaan khalqiga oo doonida, waxey ku ahaatay doonidooda iyo doorashoodada, maxaa yeelay alle taas ayaga ayuu siiyay wxuna yiri

قال تعالى :

¼ÝWÙYփò:†W®óØRÑÞYÚÜKV…WØ~YÍWTpT©WTÿ(28)   »  [سورة التكوير، الآية:28].

Macnaha aayada waxaa waaye:” ki doono oo adinka idinka mid ah ha tosnaado ”

قال تعالى :

¼ …ÝWÙVʃò:†W®ÝYÚ`ëS~<ÕWTÊÝWÚWèƒò:†W®&ó£TSÉ<ÑW~<ÕWTÊ…»  [سورة الكهف، الآية:29].

Macnaha aayada waxaa waaye:” ruuxi doono ha rumeeyo ruuxi doonana ha gaaloobo ”

Iyagana waa lagu mahdin wixi waagsan, wixi xuna waa lagu eedayaa,allana kuma ciqaabayo adomanka amar ayna doorasho kulaheyn.

قال تعالى :

¼ …:†WÚWèh†WTßKV…xyHTPVÕðÀ¹YŠYŸ~Y‰WÅ<ÕPYÖ(29) »  [سورة ق، الآية:29].

Macnaha aayada waxaa waaye:” ma ihi aniga mid dulmin badan adoomanka ”

Insaankuna waa garanayaa farqiga u dhexeeyo doorashada iyo qasabka , tusaalo ahaan:qof uga soo  degay guri dushii jaranjaro , iyo qof laga soo tuuray gurga dushiisa isma lahan,oo  kan hore doorasho ayuu ku sameeyay falkaas kan danbana waa lagu qasbay .

 

 

( 6 ) – kulminta uumida alle iyo falka adoonka:

alle ayaa uumay adoonka iyo falalkiisa , wuxuuna u yeelay doonid iyo awood , adonkuna asiga ayaa sameynayo falkiisa  sida xaqiiqada ah ,haduu rumeeyana waxuu ku rumeeyay doonidisa, haduu gaaloobana wuxuu gaaloobay khiyaarkiisa, tusaalo ahaan hadaan dhahno: mirahaan geedkan ayay ka ahaadeen , abuurkaana dhulkaan ayuu ka yimid , macneheedu waxaa waaye ayada ayuu ka sameesmay kana soo baxay, hadii aan dhahnase xag alle ayuu ka ahaaday macnaheedu waxaa waaye alle ayaa uumay , labadaaa hadalna iskama hor imaanayaan , sidaas ayayna isku waafaqayaan sharciga iyo qadarka .

قال تعالى :

¼SJðJðS/@…WèyRÑWÍVÕWž†WÚWèWÜéSTÕWÙÅWTŽ(96) »  [سورة الصافات، الآية:96].

Macnaha aayada waa la soo dhaafay.

قال تعالى :

¼†PVÚVK†WTÊóÝWÚuøV¹ÆVK…uøWÍTPVTŽ@…Wè(5)WËJðŸW²WèuøWÞpT©S™&lt;Ö@†YŠ(6)SâS£PY©WT~SÞW©WTÊuüW£©S~<ÕYÖ(7)†PVÚKV…Wè?ÝWÚWÔYYmîðžuøWTÞpTTçÅWT`ª@…Wè(8)ð‡PV¡W{WèuøWÞpT©S™<Ö@†YŠ(9)  ISâS£QY©WT~SÞW©WTÊuüW£p©SÅ<ÕYÖ(10)   »  [سورة الليل، الآيات:5-10].

Macnaha aayada waxaa waaye:”kiise baxsha , cabsadana , rumeeyana tii wanaagsaneed , waan u fududeyneynaa tan fudud, kiise bakhiilo iskuna filnaado beeniyana tii wanaagsaneyd waxaan u fududeyneynaa tii adkeed ”

( 7 )– waajibka adonka dushiisa ahaaday xaga qadaka :

waxaa waajib uga ah adoonka dhinacaaa laba arrimood :

(1)-in uu alle u kaalmeesto sameynta waxa uu karo iyo ka fogaanshaha waxa laga digay , allana weydiisto inuu u fududeeyo kan fudud kana fogeeyo tan adag , talana saarto, megan galyesto, ahaadana mid u baahan markuu kheyr samaynayo iyo markuu shar ka fogaanayo

قال صلى اله عليه وسلم :” احرص على ما ينفعك واستعن بالله ولا تعجز وإن أصابك شيء فلا تقل لو أني فعلت كذا لكان كذا ولكن قل قدر الله وماشاء فعل ، فإن لو تفتح عمل الشيطان ”

Nabiga wuxuu yiri:ku dadaal waxa ku anfaca- ayo , allana kaalmeyso hana cajisin , hadii ay wax ku asiibaanna ha dhihin hadaan saas samey lahaay sidaa bey ahan leheyd , laakiin dheh alle ayaa qadaray waxa uu doonayna sameeyay , hadiina  (dhihida hadii aan saas..) wexey furtaa camalka sheydaanka”

(2)– waxaa ku wajiba inuu ku sabro qadarka murugoonina,ogaadanna taasi in ay xag alle ka ahatay kuna raali noqdo, ogaadana waxa asiibay ma gefi leheyn , waxa gefayna ma asiibi leheen , nabiga wuxuu yiri :

” واعلم أن ما أصابك لم يكن ليخطئك وما أخطأك لم يكن ليصيبك ”

صابك أ

macnihiisuna yahay : ogow waxa ku asiibay ma ahayn kuwa gefaya, waxa ku gefayna ma ahayn kuaa ku asiibo ”

( 8 )–ku raali noqoshada xuknika iyo qadarka :

waxaa loo bahan yahay qadarka in lagu raali noqdo, maxa yeelay waxey ka mid tahay ku raali naqashada rabinimada alle , waxaana looga baahanyahay muumin walba in uu raali ku noqdo waxa uu alle qadaray , maxa yeelay wax walba uu alle qadaray waa kheyr waana iyo cadaalad iyo xikmad , qofki naftiisa ku degnaato waxi asiibay in aysan dhaafi leheyn wixi dhaafayna inaysan ku dhici leheen , waxaa naftiisa ka baaba’ay wareer  iyo noqnoqosho, waxana noloshiisa dhamaaday cabsi iyo murug , oo kama murugoonayo wixi dhaafay , kamana cabsanayo mustaqbalka , sidaa ayuuna ku noqonayaa dadka kan ugu xaalad wanaagsan uguna naf wanaagsan , uguna qalbi degan,qofki ogaadana in waqtigiisa koobanyahay risiqiisana tirsanyahay cabsi waqtigiisa  masiyaadineyso  bakhiiltin- imana ma badineyso risiqiisa, wax walbana waa qoran yihiin , qofki ku samro wixi asiibo allana denbi dhaaf u weydiisto wixi danbi ah oo uu geestay , raalina ku noqdo wixi alle dushiisa ku qoray oo musiibaa, wuxuu kulminayaa adeecid alle iyo ku samirka masaaibta .

قال تعالى :

¼:†WÚð‡†W²VK…ÝYÚ]àTW‰~g±QSڂPVMX…XÜ<¢XM†TTYŠ%JðY/@…ÝWÚWè?ÝYpÚëSÿYðJ/@†YŠYŸ`äWÿI&SãW‰<ÕWTÎSJðJðS/@…WèQXÔRÑYŠ]òpøW®cy~YÕWÆ(11) »  [سورة التغابن، الآية:11].

Macnaha aayada waxaa waaye:” ma asiibin musiibo idan alle maahane  , ruuxi rumeeyo alle wuu hanuuninayaa qalbigisa , alllena wax walba ogaal buu u leeyahay ”

قال تعالى :

¼¤Yip²@†WTÊUfûMX…WŸÆWèJðY/@…bQÌWšó£YÉpTçÅWpTª@…WèðÐY‰?TßW¡YÖ »  [سورة غافر، الآية:55].

Macnaha aayada waxaa waaye:” sabar , balanta alle waa xaqe,dhaafna u weydiiso danbigaada”

(9) –  Hanuunku waa labo :

(1)- Hanuun tusid xaq ah iyo ku toosin,taasina khalqiga oo dhan ayaay usugnaatay, waana tey awoodaan rususha iyo dadka raaco .

قال تعالى :

¼ðÐPVßMX…Wèv÷YŸäWTVÖuøVÖXM…x·.W£g²xy~YÍWTT©QSÚ(52) »  [سورة الشورى، الآية:52].

Macnaha aayada waxaa waaye:” adiga waxaad u hanuunisaa jidka toosan”

(2) – hanuunin waafajid iyo ku sugid xaqa ah, waana fadli uu ku galadeysanayo alle adoomankiisa ka baqay , cidaan alle eheyna ma awoodo,

قال تعالى :

¼WÐPVßMX…‚WüYŸäVTŽóÝWÚðŒ‰WT‰šVK…QWÝYÑHTVÖWèJðW/@…÷YŸäWTÿÝWÚ&Sò:†W­WTÿ »  [سورة القصص، الآية:56].

Macnaha aayada waxaa waaye:” adiga ma hanunisid ruuxi aad doonto , laakiin alle baa hanuuniyo ciduu doono ”

( 10 ) –  iraadada (donida)  ku jirta kitaabka alle wa labo:

(1)- doonid kowni ah oo alle qadaray , waana doonid saameyneysa dhamaan waxyaabaha jooga , waxuu alle doono wey ahaadan , wuxuu doonina ma  ahaanin , waxaana laasim u ah inay dhacdo , laazimna ma aha alle inuu jecelyahay in ay doonida sharciga ah ku xariirsanto mooyaane .

قال تعالى :

¼ÝWÙWTÊY X£STÿJðS/@…ÜKV…ISãWTÿYŸäWTÿ—W£pT­WTÿISâW¤`ŸfTT²Y$yHTWTÕpªXMp„YÖ…»  [سورة الأنعام، الآية:125].

Macnaha aayada waxaa waaye:”ruuxi uu doono alle in uu hanuuniyo wuxuu u balaariyaa labtiisa islaamka ”

(2) –  doonida sharciga ah, waana tan alle jecelyahay  raalina kayahay, laazimna maaha inay dhacdo in ay la xariirsanto tan kowniga ah mooyaane .

قال تعالى :

¼ …SŸÿX£STÿJðS/@…SØS|YŠW£ó©S~<Ö@…‚WWèSŸÿX£STÿSØS|YŠW£ó©SÅ<Ö@……»  [سورة البقرة، الآية:185].

Macnaha aayada waxaa waaye:” wuxuu idinla doonayaa alle fudeedka , idinlama doonayo culeeska ”

Doonida kowniga ah ayaa ka guudsan mida sharciga ah maxaa yeelay mid walba oo sharci ah waa kowni , mid walba oo sharcui ahna ma aha kowni,iimaanka abu baker–tusaalo ahaan –waxa ku taxaxuqay labada iraado.

Gaalnimada abu jahalna waxaa laga helay tan kowniga ah bis, maxaa yeelay alle gaalnimada raali kama aha, mana jecla mana amrayo,iskaba dhaafe wuu necebyahay wuuna xarrimay,wixi daacada ama iimaana alle wuu jecelyahay wuuna amrayaa qofki sameeyana wuxuu u balan qaadayaa ajir iyo xasanaat iyo abal marin, allana laguma caasiyo doonid la aantiisa , mana dhacayaan waxuusan doonin ,

قال تعالى :

¼‚WWèuøW¶ó£WTÿYâY †W‰YÅYÖ$W£pTÉRÑ<Ö@……»  [سورة الزمر، الآية:7].

Macnaha aayada waxaa waaye:” raali uguma ahan adoomankiisa gaalnimada ”

قال تعالى :

¼SJðJðS/@…Wè‚WJñˆY™STÿW †fTT©WÉ<Ö@…(205) »  [سورة البقرة، الآية:205].

Macnaha aayada waxaa waaye:” alle ma jeclo fasaadka ”

( 11 ) – asbaabta celiso Qadarta :

alle wuxuu u yeelay dhacdooyinkaan asbaab celiso sida:ducada,sadaqada,dawada, qada- shada digtoonaanta,dhamaantoodna waa qadar iyo xukun alle.

(12 ) – qadarka waa sirta alle ee khalqigiisa:

dhihida qadarka waa sirta alle oo ahaatay khalqigiisa waxey ku koobantahay dhinaca qarsoon ee qadarka , arrimahana xaqiqadooda sida ay tahayna alle maahane cid kale ma ogo , basharkana ma daalacan karo , sida baadiyeenta, hauunika, dilida, nooleent, diidida , siinta.

كما قال صلى الله عليه وسلم :” إذا ذكر القدر فأمسكوا ”

Siduu nabiga yiriba:hadii qadarka la sheego ka qabsada ” muslim baa weriyay .

Laakiin dhinacyada kale ee qadarka iyo xikamooyinka laga leeyahay iyo darajaadkiisa wey banaantahay in dadka loo cadeeyo lana ogeysiiyo sida uu nabiga yiri oo kale marki uu jibriil arkaanta iimaanka wey diiyay :

“هذا جبريل أتاكم يعلمكم دينكم ” رواه مسلم

Wuxuu yiri : kani waa jibriil oo idiin yimid si uu idin baro diintina ”

(13)- xujo ka dhigashada qadarka :

Ogaanshaha alle wixi qeyb noqonayo ma ogo asiga mooyaane cid kale , waana ka qarson yahay kuwa la faray , qofna xujo kama dhigan karo, mana banaano in looga tago acmaasha isku haleyn leysku haleynayo wixi uu alle qadaray, qadarkuna xujo uma ahan  alla dushiis iyo khalqigiisaba , hadii ay baananan leheyd in xujo looga dhigto qadarka waxa la sameynayo oo ah danbiyo lama ciqaabeen ruux daalim ah , gaalna lama dileen , xadna lama oogeen , ruxna dulmi ma daayeen , taasina waa fasaad duunyo iyo diin , oo loo ogyahay, waxaana ku leenahay qofka xujo ka dhiganaya qadarka : ma ogid in aad ahlu jano tahay iyo in aad ahlu naar tahay , hadii aad ogaan leheydna waxba laguma amreen waxna lagaama reebeen , laakiin shaqey allana wuxuu u dhawyahay inuu ku waafajoyo in aad noqoto ahlu janno , saxaabada qaar ayaa waxey dheheen marki ay maqleen axaadiithta ku saabsan qadarka :” ma eheyn mid kadaddl badan  marki hore hadda  ”  nabigana waxuu yiri marki wax laga weydiiyay xujo kadhigashada qadarta

:”إعملوا فكل ميسر لما خلق له فمن كان من أهل السعادة فسييسر لعمل أهل السعادة ، ومن كان من أهل الشقاوة فسييسر لعمل أهل الشقاوة ، ثم قرأ

¼†PVÚVK†WTÊóÝWÚuøV¹ÆVK…uøWÍTPVTŽ@…Wè(5)WËJðŸW²WèuøWÞpT©S™&lt;Ö@†YŠ(6)SâS£PY©WT~SÞW©WTÊuüW£©S~<ÕYÖ(7)†PVÚKV…Wè?ÝWÚWÔYYmîðžuøWTÞpTTçÅWT`ª@…Wè(8)ð‡PV¡W{WèuøWÞpT©S™<Ö@†YŠ(9)  ISâS£QY©WT~SÞW©WTÊuüW£p©SÅ<ÕYÖ(10)    »  [سورة الليل، الآيات:5-10].

Macnihisana yahay : camalfala mid walba waa loo fududeeyay wixi loo abuuray, ruuxi ahaayna ahlu liibaan waxa loo fududeynayaa camalka ahlu liibaanka , ruuxi ka mid ahayna dadka halaagmay waxaa loo fududeynayaa camalka dadka kalaagmay markaa buuna akhriyay aayada ..)) macnaha aayadana waa la soo dhaafay.

(14)– qaadashada asbaabta :

adoonka waxa ku dhacayo waa laba arrimood , mid ay xiiladi ku jirto , kaana  kama caajisayo  , iyo mid aysan xiladi  kujirin kana kama wel welwyo , alle wuu ogyahay masaaibta inta aysan dhicin ka hor , mana ahan cilmigiisa kan sababay dhicida musibada  ee asbaabta la xiriirta ayaa sabab u ah , hadii ay tahay sababtu gaabid ka timid dhinaca ruuxa dayacrd uu  dayacay asbaabti iyo wixi ka badbaadi laha  darteed asiga ayaa lagu eedeynayaa badbaadin la aanta naftiisa iyo inuu ka tegay asbaabti uu isku ilaalin lahaa .

Asbaab qaadashadana qadarka kama hor imaaneyso iyo talasaarashada, waaba qeb kamid ah , laakiin haduu qadarki dhacdo waxaa waajib ah in raali lagu noqdo , alyiraahdana “allaa qadaray wuxuu donayna sameeyay” laakiin inta aysan dhicin ka hor waa in adoonku uu qaataa asbaabta la baneeyay ee qadrka ku celiyo qadar , anbiyadana waxey qaateen asbaabta ka ilaalineysa cadowgooda iyagoo lagu ayidayo waxyi allena ilaalinayo , rasuulki allana wuxuu ahaa-naxaris alle iyo nabadi dushiisa ha ahaatee- sayidki tala saarta yaasha, mid qadan jiray asbaabta , rabigiisna talo saar adag tala saarajiray .

قال تعالى :

¼N…èQSŸTTYÆVK…WèØSäVֆQWÚySTÅV¹WTª@…ÝYQÚwáQWéSTÎÛYÚWèg·†WTŠQY¤XÔ~W&lt;Ö@…fûéS‰Yåó£STŽ-YãYŠQWèSŸWÆJðY/@…ØS{QWèSŸWÆWè »  [سورة الأنفال، الآية:60].

Macnaha aayada waxaa waaye:”u diyaariya ayaga waxaad kartaan oo xoog ah iyo xirida fardaha , waxad ku cabsi gelineysaan cadawga alle iyo cadawgiina ”

قال تعالى :

¼WéSå÷Y¡PVÖ@…WÔWÅW–SØRÑVÖð³¤KKV‚ô@…‚^éSTÖV¢N…éS­Ú@†WTÊÁ†WäX‰YY҆WTÞWÚN…éSTÕS{WèÝYÚ-$YãYpΦQX¤YãT`~VÖMX…WèS¤éSS­PRÞÖ@…(15)»  [سورة الملك، الآية:15].

Macnaha aayada waxaa waaye:”asiga (alle) waa kii idinka yeelay dhulka mid sahlan ee ku socda wadooyinkiisa kana cuna quudkiisa xagiisowna kulmisku ahaan doonaa  ”

قال صلى الله عليه وسلم :” المؤمن القوي خير وأحب إلى الله من المؤمن الضعيف وفي كل خير ، احرص على ما ينفعك  واستعن بالله ولاتعجز ، وإن أصابك شيء فلا تقل لو أني فعلت كذا لكان كا ولكن قل قدر الله ما شاء الله فعل فإن لو تفتح عمل اشيطان ” رواه مسلم .

Macnihiisana : muminka xooga leh ayaa ka kheyr badan allana ka jecel yahay midka daciifka ah,kulligoodna waa kheyr,kuna dadaal waxa ku anfacaayo , allana kaalmeyso hana cajisin , hadii ay wax ku asiibaanna ha dhihin hadaan saas samey lahaay sidaa bey ahan leheyd , laakiin dheh alle ayaa qadaray waxa uu doonayna sameeyay , hadiina(dhihida hadii aan saas)wexey furtaa camalka sheydaank”a

(15)– xukunka qofka inkiro qadarka :

qofka inkiro qadarka wuxuu inkiray asal ka tirsan asalada shareecada waana gaaloobay ,  salfka qaar ka mida baa wexey dheheen:” kulaa dooda “qadariyada” cilmi, haday diidaana waa gaaloobeen , haday yeelaana waa laga dood badiyay” .

(16)– miraha uu leeyahay rumenta qadarka :

Rumenta qadarka waxey leedahay miro wanaagsan iyo raad fiican,kulana soonoq- oneyso ruuxa iyo mujtamaca wanaag , waxana ka mid ah :

(A) – wuxuu dhalayaa cibaadooyin wanaagsan, sida : ukali yeelida alle , talasaaarashadiisa , cabsidiisa , rajentiisa , malada oo lagu wanaajiyo , samir iy dul qaadasho, ladiririda quusashada , alle oo lagu raali noqdo , alle kaliya in lagu shukriyo , in lagu farxo fadligiisa iyo naxariistiisa , iyo in loo jajabnaado , kibirka iyo isla weyninkana laga tago , iyo in wax lagu baxsho wajiyada kherka oo dhan kalsooni lagu kalsoonyahay alle darted , geesinimo , qanaaco , naf sareysa, hammi dheerid , dadaal , dhexdhexaad ladnaanta iyo dhibka , ka nabad  gelid xasadka, caqliga oo laga xureeyo khuraafaadka iyo baadilka , degenashaha qalbiga iyo raaxada nafta.

(B )– Qofka qadarta rumeeyo noloshiisa waxey ku soconeysa dariiq tosan ,oo nicmana ma kibrineyso musiibadana ma quusineyso , wuxuuna yaqiin sanayaa wixi asiibay oo dhib ah in ay tahay wax alle u qoray ebtelo awged, mana murugoonayo ee wuu sabrayaa.

(T)–wuxuu ka ilaalinayaa asbaabta baadida , iyo khaatimo xumida , maxaa yeelay qadarka waxuu dhalinayaa in uu ku dadaalo toosnaanta , wanaagana badiyo , macsidana ka fogaado iyo waxa haligayo .

(J) – muuminiinta waxuu u dhalaasa in ay uga hortagaan waxyaabaha adadag iyo musiibada qalbi sugan iyo yaqiin dhameestiran iyada oo asbaabtana la qadanayo .

قال صلى الله عليه وسلم :” عجبا لأمر المؤمن إن أمره كله خير وليس لذلك إلا للمؤمن ، إن أصابته سراء شكر فكان خيرا له ، وإن أصابته ضراء صبر فكان خيرا له ” رواه مسلم .

Nabiga wuxuu yiri : layaab waxaa leh arinka  muminka , arrinkiisa oo dhan waa kheyr  , kaasna malaha muuminka  cidaan aheyn,haday asiibto ladnaan wuu mahdiyaa kheyr baana u ahaaday , hadii ay dhibaato heshana wuu samara sidaana kher ayaa ugu sugnaaday ”

muslim ayaa weriyay.

Cali

CALI BIN ABII DAALIB (AMIIRUL MU’MINIIN)

”Hooy ina Abii Daaliboow! miyaadan kuraalli ahayn inaad ii joogta booskuu Haaruun u joogay Muuse CS oo kale, oo aanan ka ahayn inuuna Nebi iga dambeyn”?

Sidaa waxaa yiri Nabiga SCW.

Cali bin Abuu Daalib (Cabdumunaf) bin Cabdulmudalib (Sheyba) bin Haashim (Camr) bin Cabdumunaaf (Muqiirah) bin Qusay (Zeyd) bin Kilaab bin Murrah bin Kacab bin Lu’ay bin Qaalib bin Fihir bin Maalik bin Nadar bin Kinaanah bin Khuzeymah bin Mudrikah bin Ilyaas bin Mudar bin Nizaar bin Macad bin Cadnaan Al Qurashi Al Haashimi.

Waxaa loogu kunyoon jiray Abul Xasan, sidoo kale Abuu Turaab. Hooyadiis waa Faadimah bint Asad bin Haashim bin Cabdulmunaf bin Qusey Bin kilaab. Waxay ku kulmaan hooyadiis iyo aabahiis xagga nasab ahaanta odayga Cabdulmunaaf, waana banii Haashimkii ugu horeyay ee is guursada (yacni Abuu Daalib iyo Faadimah bint Asad). Wuxuu Cali kudhashay magaalada Makkah 13-kii Rajab 23 sano kahor hijrada oo kubeegan 17-kii Maarso 599 Miilaadiyada, sida ay qaar kamid ah mu’arrakhiintu sheegaan. Waa mid kamid ah tobankii saxaabi ee Jannada loogu bishaareyey iyagoo nool. Sidoo kale waa ina adeerkii Nabiga SCW iyo khaliifkii afaraad ee khulafaa’uraashidiinka Illaahay haka raalli noqdee.

Aabahiis waa oday kamid ahaa saadaaddii Quresheed iyo adeerradii Nabiga SCW. Wuxuu Abuu Daalib ahaa kii soo barbaariyey oo kafaala qaaday Rasuulka SCW kadib dhimashadii Cabdulmudallib. Waxuu ahaa Abuu Daalib kan ugu naxariis badan adeerada Nebiga SCW. Inkastoo uu kudhintay diintii jaahiliyada haddana waxuu yaqiinsanaa Abuu Daalib inay diin xaqa tahay diinta uu layimid wiilkuu adeerka u yahay ee Muxammed SCW.

Wuxuu Cali ku Islaamay Makka horaantii Nabinimada, wuxuna ahaa qofkii kowaad ama labaad ee Islaama, waana qofkii ugu horeyay ee ka Islaama xagga carruurta, waayo wauuu markaasi jiray 8 ama 10 sanadood .

Islaamiddiisii

Imaam Mujaahid waxuu yiri:- Qofkii ugu horeeyay (xagga Saxaabada) ee tukaday waxuu ahaa Cali bin Abuu Daalib.

Cabduraxmaan bin Zaraarah waxuu yiri:- Cali Markuu Islamayay waxuu jiray 9 sano.

Waxuu yiri Xasan bin Zeyd:- Cali bin Abii Daalib waligiis sanamyada ma uusan taaban umuuna dhawaan.

Cabdullaahi bin Cabbaas waxuu yiri:- Qofkii ugu horreeyay ee Islama Khadiija kadib waxuu ahaa Cali bin Abuu Daalib.

Waxuu yiri Maxamed bin Camr:- Dadka waxaa ugu hor Islaamay Khadiija, kadib agtayada waxan isku khilaafnaa saddex qofood koodii ugu horeyay ee Islamay Khadiija kadib, Waana Abuu Bakar, Cali bin Abii Daalib iyo Zeyd bin Xaaritha.

Markii Rasuulka SCW lasoo diray buu u yimid Cali oo kuray yar ah, markaas buu ku yiri:- Caliyoow! Ilaahay xagiisaan kuugu yeeri ee diintaan soo gal. Wuuna u sharxay, saa kadib Cali waxuu yiri:” Abaa Daalib baan soo weydiin, waayo kama careysiin karo’e.

Markaas buu Nabigu SCW yiri:- Mayee haddaadan qaadaneyn cidina ha usheegin oo afkaada iska qabso. Kadibna Cali wuu iska amusay oo habeenkii buu iska seexday isagoo arrinkii ka fekeraya kadib baa quluubtiisa Illaahay u wasiciyey islaannimada, wuuna kusoo kallahay xaggii Nabiga SCW, waxuuna ku yiri:- Ibar diintaadan. Halkaas buuna ku islaamay Cali. Waxaa ka sugnaatay Cali xagiisa inuu yiri:- Waxaan ahaa qofkii ugu horeyay ee tukado (xagga saxaabada).

Noolashahiisii & Waqtigii Nebiga (SCW)

Cali bin Abii Daalib intii magaallada Makka uu joogay, wuxuu ku noola gurigii Rasuulka SCW, waayo, Rasuulka SCW ayaaba soo koriyey oo taasi kafaala qaaday. Sababtuna waxay ahayd Abii Daalib wuxuu ahaa oday da’ ah oo misna aanan hanti buuran lahayn. Sidoo kale wuxuu lahaa carruur badan. Saa waxaa dhacday abaar daran oo dadkii diif iyo macluul darani qabatay. Markaas buu Nebigu SCW u tegay adeerkiis Al Cabbaas, oo ka dalbaday in ay israacaan oo u tagaan Abii Daalib oo ka caawiyaan korinta carruurta. Waxay u tegeen Abii Daalib, markiina ay arrintii u sheegeen, baa wuxuu Abuu Daalib yiri:- Caqiil mooyaane, inta kale kaad doontaan kaxaysta.

Markaas buu Rasuulku SCW Cali kaxaystay, Al Cabbaasna wuxuu kaxaystay Jacfar oo ay sidaa ku kafaalo qaadeen. Wax badan kama soo wareegin markii uu Jacfar qaan gaaray oo uu guursaday, goonina u degay. Calise isagu wuxuu ahaa mid ka yar Jacfar da’ ahaan 10 sanadood, wuxuuna sidaa daraadeed kusii nagaaday gurigii Rasuulka SCW oo uu ka qaatay barbaarin iyo abaabin wanaagsan.

Habeenkii Hijrada Rasuulka (SCW)

Maalintuu damcay inuu xabiibkeenna Muxammed SCW u soo haajiro magaalada Yathrib (Madiina) baa waxaa tashtey odayaashii iyo wax garadkii Quresheed si ay arrintaas isku hor istaajiyaan. Waxayna shir aan kala go’ laheyn kuyeesheen Daaru Nadwaa (Golahoodii Fadhiga). Waxayna go’aan soo saareen inay dilaanba Nabiga SCW, oo waxay isku raaceen in qola waliba oo Qureesh kamid ah laga soo dhex saaro wiil shaab ah oo seef wata, kadiba albaabka in loo fadhiista oo markuu damca Nebigu SCW inuusoo baxa halmar lagu wada dhufta seefaha sida darba hamar uu nin ku dhuftay oo kale ah. Markaas kadib haddii ay banuu Haashim (waa tolka Nabiga uu kadhashaye) ay kudoodaan sababta loo dilay waxaa lasiin doonaa diyo. Haddii ay diyadu diidaana dee iskama celin karaan Qureesh dhan waayo Qureesh dhan baa halmar ku dhufatay seefaha. Arrinkaas bay isku waafaqeen Qureesh waxana fikradaas xun lahaa oo keenay Abuu Jahal Camr bin Hishaam. Kadib waxaa yimid Malakol Jibriil CS oo markaas uga warramay Nebiga SCW waxa ay Qureesh ku tashatay iyo inay doonayaan inay dilaan, saa kadib Nebiga SCW wuxuu latashtay Cali bin Abuu Daalib oo uu runtii aad u jeclaa, wuxuuna ku yiri:- Caliyow! Qureesh sidaas bay ku tashatay. Kadib wuxuu amray inuu firaashkiisa seexdo caawo oo Nebigu isku furto. Kadibna wuxuu amray in howlaha uu Rasuulku SCW Muslimiinta iyo dadka u hayay oo amaano ah uu usoo kala gudo dadka dadkii lahaa.

Cali waxuu yiri:- Rasuul Alloow!! haddii aan caawo firaashkaaga seexdo naftaadu miyay badbaadeysa oo cadawyada Quresheed miyaad ka bad baadeysaa? Saa waxuu yiri Rasuulka SCW:- Haa oo nafteydu way bad baadeysaa inshaa Allaah.

Markaas buu Cali sujuud la dhacay oo uu isagu isku furtay oo uu sidaas ku seexday firaashkii Nabiga SCW. Nabigu SCW habeenkii buu gurigiisa kasoo baxay iyagoo Qureeshtu ay dhooban yahiin albaabka aqalkiisa, lakiinse ma aysan arkin oo Illaahay baa ka indha saabay dhammaantood. Saa markaa iyada ah waxuu Nabiga akhrinayey aayad kujirta suuradda Yaasiin oo ah qowlka Alle kor ahaaye

”Waxaan ka yeelnay hortooda gidaar gadaashooduna gidaar oo waan indho daboolnay mana arkayaan waxbo”. Suuratu Yassiin, aayadda 9aad.

Markaas buu Rasuulku SCW cantooba carro ah qaaday oo xagooda ku tuuray manaysan arag dhammaan. In qadar ah markuu ka maqanyahay baa sheydaan u yimid oo uu ku yiri ” Hoogiinee Muxamed soo kan baxay? Markaas bay halmar wada kaceen oo hambar hambar u dideen, deedatana ay soo wada laabteen, saa waxay arkeen firaashkiisii oo meesha goglan iyo Cali oo dul hurda. Markaas bay umaleyeen Nabiga SCW oo wali jiifa, waxayna sugaayeen ilaa uu kasoo kacaya, saa waa berigii baa waxaa meeshii kasoo kacay Cali bin Abuu Daalib. Markaas baa intay kusoo rooreen kudhegen oo ay yiraahdeen:- Maxamed meeyay? Saa waxuu yiri:- Mooji oo garan mahayo anigu. Kadib way isaga tegeen. Saa waxay yiraahdeen Qureeshtii: Qofkii keena Muxammed iyo saaxiibkiis (Abu Bakar Siddiiq) nolal ama geeri waxuu yeelan doonaa abaal marin 100 halaad oo geel ah. Saddex maalin oo uu god kujiray kadibna Nebiga SCW waxuu soo abbaaray safarkii dheeraa ee Makka iyo Madiina dhexdooda isaga iyo saaxiibkiisa Abuu Bakar Siddiiq. Markuu Nebiga SCW yimid Magaallada Madiina isagoon weli ka dhaqaaqin deegankii banii Camr bin Cowf buu Cali kadaba yimid isagoo soo gutay howshii looga soo tegay .Waxuuna soo socday muddo gaaban marka loo eego masaafada iyo inta loo socon karo, waxuuna socday habeenkii maalintiina wuu dhakan jiray si aan loo arkin amaba loo dareemin isagoo markaa iyada ah geli jiray geedaha hoostooda. Waxuuna kusoo degay Cali gurigii Kalthuum bin Hadam Al Ansaari. Cali waxuu ahaa halyeey wayn oo nafsadiisa ku furtay nafta Nabiga SCW. Waana Qofkii ugu horeyay ee uu Nabiga nafsadiisa ku furta.

Nolashiisii Madiina

Markii uu Cali ka daba tegay Rasuulka SCW magaalladii Madiina isagoo bad qaba, soona guday howlahii uu Rasuulka SCW uga soo tegay, markaas buu Rasuulku SCW aad ugu farxay oo soo dhaweeyay. Markiina Rasuulku SCW Muhaajiriin iyo Ansaar uu walaaleynayay, waxaa la sheegaa in Sahal bin Xaniif iyo Cali uu walaaleeyay. Werinnada qaar waxay xusaan in Nebigu SCW uu walaaleyay nafsaddiisa iyo Cali. Balse waalaga culusyahay qowlkaas. Waayo Nebigu SCW iyo Cali si bay walaalo u ahaayeen. Sababtoo ah waxay ahaayeen ilma adeer. Waxaa suurto gal ah marka in uu Nebigu SCW ula dan lahaa in asaga iyo Cali ay walaalo yahiin. Balse markaasi aanay ahayn xilligii la walaaleynayay Muhaajiriin iyo Ansaar. Qowlka ugu culus wuxuu yahay in Sahal bin Xaniif lala walaaleeyay Cali Allaha ka raalli noqdee markii la walaaleynayay Ansaarta iyo Muhaajiriinta.

Cali wuxuu laasimay ka agdhawaanshaha iyo la joogidda Rasuulka SCW. Maalintii Dul Cusheyrah waxuu la socday ciidamadii Rasuulka SCW, waxaanay isku awr fuuleen Cammaar bin Yaasir Illaahay haka raalli noqdee oo ay duullaankaasi labo rafiiq oo gaar ah wada ahaayeen.

Dagaalkii weynaa ee Bader ayuu sidoo kale Cali ka qeyb qaatay. Nebigu SCW asagoo Cumar la hadlaya wuxuu ku yiri:- Maxaad mooddaa Cumaroow!, waxaa laga yaabaa inuu Illaahay reer Bader daallacday oo uu ku yiri:- Fala wixii aad doontaan waan idiin dambi dhaafaye.

Gacan cad ayuu Cali Allaha ka raalli noqdee ku lahaa maalintaa iyada ahi, iyo meeqaam la mahadsho, wuxuu siday calanka Muhaajiriinta oo la oran jiray Al Caqaab. Ansaartuna waxaa calanka u waday Sacad bin Mucaad. Calanka guudna waxaa loo dhiibay Muscab bin Cumeyr. Cali wuxuu ahaa mid kamid ah raggii maalintaasi mubaarasada ka soo baxay dhanka Muslimiinta. Wuxuuna ahaa kii ugu yaraa saddexdii nin ee dhanka Muslimiinta kasoo baxday. Waxayna saddexdaasi kala ahaayeen Cali iyo adeerkiis Xamsa, iyo ina adeerkiis Cubeydah bin Xaarith. Waxay ahaayeen saddexduba hal qoys oo weliba ahlu beydka Rasuulka SCW ah. Waxay u baxeen saddex kale oo iyana hal qoys ah. Waxayna kala ahaayeen Sheyba bin Rabiica, Cutbah bin Rabiica iyo Waliid bin Cutbah bin Rabiica.

Cali wuxuu maalintaasi dilay ninkii ku soo haggaagay mubaarasada, kaasoo ahaa Waliid bin Cutbah. Sidoo kale waxay asaga iyo adeerkiis Xamsa is raaciyeen oo ay dileen Cutbah oo dhaawac ah kadib markay raggoodii ka soo faaruqeen, Cubeyda oo dhaawacna horey bay usoo qaateen.

Cali wuxuu dagaalkaasi Bader ku laayay in badan oo kamid ah gaalladii Qureesheed, waxaana kamid ahaa dadkii uu meeshaasi ku laayay:

  1. Waliid bin Cutbah (oo uu ku dilay mubaariso).
  2. Cutbah bin Rabiica bin Cabdishams (asaga iyo adeerkiis Xamsa ayaa isla dilay, taa kahorna Cubeydah ayaa dhaawacay).
  3. Al Caas bin Saciid bin Al Caas bin Umayah (wuxuu ninkani la dhashay saxaabiga Jaliilka ee Khaalid bin Saciid, sidoo kale Cuthmaan bin Cafaan bay ilma adeer ahaayeen)
  4. Cuqbah bin Abii Mucayd (goobta Cirqud Dabiyah ayuu ku dilay kadib markii lasoo qafaashay. Rasuulka SCW ayaana amray).
  5. Nadar bin Xaarith (Sidoo kale dhexda ayuu ku dilay amaraka Rasuulka SCW – goobta Safraa).
  6. Ducaymah bin Caddiyi (asaga- Cali iyo adeerkiis Xamsa ayaa isla dileen).
  7. Caqiil bin Al Aswad bin Muddallib (Cali iyo Xamsa ayaa isla dilay).
  8. Nowfal bin Khuweylid.
  9. Mascuud bin Abii Umayah bin Muqiirah Al Makhzuumi.
  10. Abul Qeys bin Faakiha bin Muqiirah Al Makhzuumi (Cali ama Cammaar bin Yaasir midkood ayaa dilay).
  11. C/llaahi bin Mundir bin Abii Rafaacah.
  12. Xaajib bin As- Saa’ib bin Cuweymir Al Makhzuumi.
  13. Al Caas bin Munbih bin Xajjaaj Al Sahmi.
  14. Abul Caas bin Qeys bin Caddiyi bin Sacad.
  15. Aws bin Mucayr bin Lowdaan Al Jumaxi.

Iyo kuwa kale oo aanan la ogeyn. Intani waa sida ay qoreen culimada siirada, waxaase suurto gal ah in intani ay ka badnaayeen raggii uu Cali maalintii Bader laayey.

Nebigu SCW sanadkii labaad ee hijriga ayuu gabadhiisa Faadimah u guuriyey Cali. Sanadkii 3aad ee Hijriga, wuxuu Cali ka qeyb qaatay dagaalkii weynaa ee Uxud, wuxuuna hoggaaminayay ciidamada midigta, calanka ciidankana asaga ayaa siday, kadib markii la dilay Muscab bin Cumeyr oo asaga horey u waday calanka dagaalka ayaa loo dhiibay Cali. Ciidamada bidixda waxaa maalintaasi madax u ahaa Mundir bin Camr, kuwa lugtanada Zubeyr bin Al Cawaam, waxaa kaloo la sheegaa Al Miqdaad bin Camr. Cali wuxuu kamid ahaa maalintaasi raggii durba soo laabtay kadib markii ay Muslimiinta jabeen, waayo hammigiisu wuxuu ahaa uun Nebiga SCW. Wuxuu ka ag dagaallamayay Nebiga SCW oo difaacay difaac wayn, wuxuuna maalintaa muujiyey wacdaro xadka ka baxsan. Cali wuxuu ahaa ninkii Nebiga SCW ka dhaqay dhiiggii wejiga markii uu dhaawaca culusi iyo waxyeellada ba’ani ay kusoo gaadhay dagaalkaasi Uxud. Nebigu SCW aad buu u jeclaa Cali. Taasi Cali qudhiisa ayaa marqaati ka ahaa, waayo waxay asaga iyo Faadimah ku doodi jireen:- Rasuulku SCW aniguu iga kaa jecelyahay. Dagaalkii Uxud markuu dhammaaday, wuxuu Rasuulka SCW amray Cali inuu baacsada Mushrikiinta Qureesheed oo hubiyo inay toos u abbaareen Makka iyo inay doonayaan inay aadaan dhankii Madiina. Cali wuu dhaqaaqay oo markii uu arkay inay Makka abbaareen oo awrta fuuleen, farduhuna kaxaysteen buu kasoo laabtay oo Nebiga SCW uga warramay xaalkooda.

Wuxuu kaloo ka qeyb qaatay dhammaan dhaqdhaaqyadii uu Nebigu SCW hoggaaminayay. Maalintii Axzaab, wuxuu dilay mid kamid ah mashaahiirtii iyo geesiyaddii Carbeed. Wuxuu kaasi ahaa Camr bin Cabdiwuddi Al Caamiri, oo oday Qureeshta iyo Carabta kaleba dhaxdeeda caan ka ahaa. Ninkaan wuxuu ahaa nin fardo fuulka iyo dagaalka aad ugu xeel dheeraa, wuxuu ahaa geesi ka sheegan Carabtii waqtigaa jirtay. Hubka dhawaajiya aanan wadnuhu galaw oran ayuu ahaa. Dagaalkii Bader ayuu ka badbaaday inuu ku naf waayo, waxaase taas cagsigeeda soo gaaray dhaawacyo culus, oo u diiday in sanadkii saddexaad ee hijriga uu ka qeyb qaato dagaalkii waynaa ee Uxud. Sanadkii shanaad ee hijriyada, dagaalkii Axsaab buu soo baxay asagoo sidii hore ka roon. Wuxuu soo baxay Mubaariso. Asxaabtu aad bay uwada garanayeen, dib bayna u hakadeen. Cali oo waaga nin dhalin yaro ah baa soo baxay. Nebigu SCW wuu u duceynayay, asxaabta oo idilna way u naxsanaayeen. Markaa iyada ahi Camr bin Cabduwuddi, wuxuu fuushanaa faraskiisa. Markii uu Cali arkay ayuu ka dalbaday inuu iska laabto, wuxuuna u sheegay inuusan dooneyn inuu Cali dilo. Calise wuxuu u sheegay inuu asaga doonaya inuu dilo. Markaas buu inta Camr carooday faraskiisii boqna jaray oo inta lugta seefta uga hoos qaaday, buu soo dhaqaaqay, markay is heleen asaga iyo Cali, baa si dhaqso leh looga tallaabsaday meydkiisa oo laga takhallusay. Halkaas ayuu Cali ku dilay gaalkii Camr bin Cabduwuddi ahaa, saa Rasuulka iyo saxaabaduba takbiir halmar ku wada dhufteen farxad darteeda iyo waynayn ay Alle wayneynayaan.

Maalintii Baycatu Ridwaan, ayuu Cali goobjoog ahaa. Raggii ka qeyb qaatay baycadaasi Illaahay wuu ka raalli noqday. Sidoo kale wuxuu ahaa ninkii qorayay heshiiskii Xudeybiya ee maalintaasi dhacay. Wuxuu kaloo ka qeyb qaatay Cumradii la qalleeyay (Cumaratul qadaa), maalintaas ayuuna Rasuulku SCW Cali ku yiri:- Adigu iga mid baad tahay, aniguna kaa mid baan ahay. Sanadkii 7-aad ee Hijriga, wuxuu ka qeyb qaatay dagaalkii Kheybar. Rasuulku SCW wuxuu maalintaasi markii Kheybar la furi waayay yiri:- Waxaan u dhiibi doonaa calanka beritoole, nin jecel Alle iyo Rasuulkiisu, isaguna ay jecelyahiin Alle iyo Rasuulkiisuba.

Habeenkaasi dadkii waxay baryen ayagoo wada rajeynaya in qof waliba asaga loo dhiibo. Subaxii buu Rasuulka SCW Cali u yeeray. Waxaa loo sheegay inuu indhaha ka sheeganayay. Wuxuu dalbaday Nebiga SCW in loo keeno. Markii loo keenay buu indhahii kaga tufay, dib dambena uma aanay xanuunin. Cali calankii buu sidaa ku qaaday oo furtay. Wuxuu Cali dagaalkii Kheybar mubaariso ku dilay Marxab oo hub ka dhawaajiyahii Yahuudda ugu geesisanaa ahaa. Furashadii Makkana wuu ka qeyb qaatay, iyo sidoo kale dagaalladii Xuneen iyo Daa’if. Dagaalkii Xuneen wuxuu kamid ahaa ahlu beydkii Nebiga SCW kusoo haray kadib markii ay saxaabadii jabeen. Wuxuu dagaallamay dagaal kulul oo difaacay Rasuulka SCW,

Jicraanah ayuu cumra ka xirtay asagoo la xirtay Nebiga SCW.

Ka Dib Noqoshadiisii Duullaanka Tabuuk

”Ma wadaan ku raalli ahayn inaad ii joogto halkuu Haaruun CS u joogay Muuse CS, oo aanan ka ahayn inuuna Nebi iga dambeyn? ”

Kamuusan harin Cali duullaan ama dagaal uu kuqaaday Nebiga SCW acdaada Alle. Sida Badar, Uxud, khandaq, Kheybar, Fatxul Makkah, Xuneyn, Daa’if iyo dhammaan duullaamadii uu qaaday Nabiga SCW aanan ka ahayn duullaankii Tabuuk, Kaasina sababta ka reebtay Cali inuu ka qeyb galo waxay aheyd Nabiga SCW baa masuul uga dhigay xagga ehelkiisa. Saa waxaa dhacday inay Munaafaqiintii ka faa’ideystan fursadaas ay Cali la heleen oo ah inuu duullaan ka baaqday, Markas bay dacaayad raqiisa ugeliyeen bulshadii dhexdeeda oo ay yiraahdeen:- Cali wuu cusleeyay Nabiga SCW oo sidaas buu isaga reebay markuu dhibsaday dabadeed.

Saa markuu warkaas Cali soo gaaray buu aad uga carooday oo uu hubkiisii soo qaatay oo uu abbaaray ciidankii Muslimiinta si uu u raaco isagoo dhibsaday lajoogida ehelka iyo caruurta oo doorbiday inuusan ka dib dhicin duullaan uu qaadaya Rasuulkii Alle SCW. Markii uu Nebiga SCW u tegay buu weydiyay waxa soo kaxeyay. Markaas buu Cali usheegay dhacdadii Munaafaqiinta iyo wixii ay lawareeganayeen oo been iyo shar ahaa. Waxuu yiri Nabiga SCW:- Ina Abuu Daaliboow! ma waadan ku raalli noqoneyn inaad ii joogta booskii uu Haaruun CS u joogay Muuse CS oo aanan ka ahayn Nabinimo, waayo anigu Nabi igama dambeeyo’e?

Markaas buu Cali aad u farxay oo laabtay. Waxuu ka qeyb qaatay Cali dhammaan duulamadii Nabiga uu qaaday marka laga reebo Tabuuk oo uu ehelkisa uga tegay. Waxuu Cali kula ballamay Nabiga SCW maalintii Uxud dhimasho kadib markay dadkii carareen ,waxuuna muujiyey geesinimo xad dhaaf ah. Cali waxuu aha geesi halyay ah oo nin mubaarasa u soo baxa ma uusan sii noolaan. Waxuu Nabiga SCW u diray camal ahaan meelo badan oo ay kamid ahayeen sirriyaddii ama wardoonkii uu udiray banii Sacad ee Fadak isagoo wata 100 nin. Wuxuu kaloo Nabigu SCW madax uga dhigay wardoonkii uu udiray dhanka Al Falaas ee banuu Dhayyi. Waxaa kaloo uu u diray Nabiga SCW Yemen amiir ahaan, iyo si uu dadka diinta u baro. Sanadkii Xajjatul wadaaca, ayuu Nebigu SCW usoo wafdiyey oo kula kulmay magaalladii Makka. Kamuusanna harin duullaan uu Nabiga duulay SCW aanan ka aheyn Tabuuk sidaan horeba usoo xusnay

Sidaynu ognahay Cali, wuxuu ahaa mid kamid ah raggii Nebiga SCW aaskiisa ka qeyb qaatay.Rasuulkuna SCW wuxuu geeriyooday isagoo Cali ka raalli ah. Wuxuu Cali kamid ahaa dadkii ugu dambeeyay ee Nebiga intuuna dhiman la kulmay. Sidoo kale wuxuu ka qeyb qaatay dhaqiddii Nebiga SCW. Sidoo kalena wuxuu ahaa mid kamid ah raggii qabriga dhigay.

Carruurtiisii & Dumarkiisii

Waxuu Cali dhalay carruur badan, waxuu guursaday gabadhii Nabiga SCW uu dhalay ee Faadimah oo u dhashay Xasan, Xuseyn, Muxsin, Zeynaba Al Kubraa iyo Ummu Kalthuum. Intuu Faadimah qabay Cali ma uusan guursan haweeney kala. Wuxuu Faadimah guursaday sanadkii 2aad ee Hijriga. Waxayna ka dhimatay sanadkii 11aad ee Hijriyada.

Waxaa kaloo uu guursaday Khowlah bint Jacfar bin Qeys bin Maslamah bin Thaclabah bin Yarbuuc bin Thaclabah bin Al Dowl bin Xaniifah bin Lujeyn bin Sacab bin Cali bin Bakar bin Waa’il oo ka dhalatay nasab ahaan reer Xaniifah. Waa qoladii uu Museylamah Al Kaddaab kadhashay, kaasoo ahaa ninkii Nabinnibada sheegtay. Markii weerarka lagu qaaday Museylamah oo lajebiyey baa lasoo qafashay dumarkii iyo carruurtii reer Xaniifah. Saa waxa kamid aheyd dumarkaas khowlah bin Jacfar oo reer Xaniifah kamid aheyd. Markii loo keenay Abuu Bakar buu siiyey Cali bin Abii Daalib, kadibna waxay u dhashay Maxamed bin Cali oo loo yaqiinay Maxamed ibnu Xanafiyah.

Sidoo kale waxuu Cali dhalay Cubeydah, waxaa Cubeydah dilay Al Mukhtaar bin Abu Cubeyd (Mukhtaar Al Kaddaab) oo ku dilay Al Madaar. Wuxuu kaloo dhalay Abuu Bakar bin Cali oo lala dilay Xuseyn bin Cali (goobta Karballaa sanadkii 61aad ee Hijriga), waxaana u dhashay Cubeyda iyo Abu Bakar haweeney la oran jiray Leylaa bint Mascood bin khaalid bin Thaabit bin Ribciy bin Balama bin Jundal bin Nahshal bin Daaram bin Maalik bin Zeyd bin Mannaah bin Tamiim.

Waxa kaloo uu dhalay Al Cabbaas Al Akbar, Cuthmaan, Jacfar Al Akbar iyo Cabdullaahi, dhammaan intan waxa lagu dilay goobta Karballaa iyagoo la socda walaalkood Xuseyn bin Cali, Hooyadooduna waa Umul Baniin bint Xazaam bin khaalid bin Jacfar bin Rabiicah bin Al Waxiid bin Caamir bin Kacab bin Kilaab

Waxaa kaloo uu dhalay Cali Maxamed Al Asqar, waxaana lala dilay Xuseyn, hooyadiisna waa umu Walad.

Sidoo kale waxuu Cali dhalay Yaxyaa iyo Cown hooyadooduna waa Asmaa bint Cumeys Al Khuthcumiyah.

Sidoo kale wuxuu dhalay Cumar Al Akbar iyo Ruqaya, hooyadoodna waa Ummu Xabiib Assahbaa bint Rabiicah bin Bujeer bin Cabdu bin Calqamah bin Al Xaaritha bin Cutbah bin Sacad bin Suheir bin Jusham bin Bakar bin Xabiib bin Camr Ibnu Qanam bin Taqlab bin Waa’il oo kamid ah banuu Taqlab, waxaana soo qafaashay Khaalid bin Waliid dagaalkii Ceynu Tamar, saa waxaa saami loo siiyey Cali oo guursaday.

Sidoo Kale waxuu dhalay Cali bin Abii Daalib Maxamed Al Awsadh oo ay u dhashay Umaamah bint Abul Caas Bin Rabiica bin Cabdulcuza bin Cabdshams bin Cabdumunaaf bin Qusay bin Kilaab. Gabadhani waxaa dhashay Zeynaba Bint Rasuulillaah. Waana gabadhii uu aadka u jeclaa Nebiga SCW, waxaa dhici jirtay jeceylkuu Rasuulka SCW jeclaa gabadhan Umaamah halkii uu gaarsiisanaa, heer isagoo salaadda kujira inuu kor uqaadi jiray, Waxaa Cali kula dar-daarantay inuu Umaamah guursado Faadimah bint Rasuulillaah SCW markay dhimata kadib.

Sidoo kale waxuu dhalay Cali bin Abii Daalib Umul Xasan iyo Ramlatul Kubraa, hooyadooduna waa Umu Saciid bint Curwah bin Mascood bin Muctab bin Maalik Ath- Thaqafiyu oo reer Thaqiifa kamid ah. Waxaa kaloo uu dhalay Umu Haani, Meymunah iyo Zeynabatu Suqraa, Ramlatu Suqraa, Umu Kaltuum Suqraa, Faadimah Umaamah, khadiijah, Umul Kiraam, Umu Salama, Umu jacfar, Jamaanah iyo Nafiisah. Dhammaan hablahan hooyooyinkoodi Mu’arakhiintu waxay yirahdeen:- Magacyadooda nalooma magacaabin. Isku soo duuboo awlaada Cali wiilashu waa 14, halka gabdhuhuna ay yahiin 19 gabdhood.

Qaar Kamid Ah Fadliga Cali

Waxaynu ogsoonnay amaba aanu ka dhadhansan karnaa taariikhda Cali inuu ahaa saxaabi aad iyo aad u fadli badan, waxaynaan soo koobi karin, heerka iyo halka uu gaarsiisnaa fadliga Cali, waayo wuxuu fadliga Cali ahaa mid inbadan dheer saxaaba badan oo jiray waqtigii Nebiga SCW. Waxaa dhab ah in ummadani uu ugu fadli badnaa Abii Bakar Sidiiq, marka laga soo tego Nebiga SCW, dabadiina Cumar, kadibna Cuthmaan, dabeetana Cali.

Haddaba waxaynaan soo koobi karin dhammaan fadaa’isha Cali, balse intuu Rabbi inooga qaddaro ayaanu ka dhawaajin doonnaa hadduu Alle idmo. Waxaa kamid ah Nebigu SCW inuu yiri:- Alloow! wali ka dhigo qofkii wali ka yeesho (Cali) oo la colleytan qofkii la colleytama.

Sidoo kale Nebigu SCW wuxuu yiri:- Cali aniguu iga mid yahay aniguna asagaan kamid ahay.

Sidoo kale wuxuu yiri:- Adigu waxaad tahay walaalkeyga if iyo aakhiro.

Sidoo kale wuxuu yiri:- Qofkii dhibo Cali aniguu i dhibay.

Waxaa kaloo uu Nebigu SCW yiri:- Waxaan berritoole u dhiibi doonaa raayadda qof ay Alle iyo Rasuulkiisu jecelyahiin, asaguna jecel Alle iyo Rasuulkiisa. (Markaasuu u dhiibay Cali bin Abii Daalib maalintii Khaybar). Waxaa kaloo ka mid ah in Nebigu SCW janno ugu bishaareeyay asagoo dunida guudkeeda uu fuulo.

Wuxuu kaloo Nebigu SCW yiri:- Hooy! ina Abuu Daaliboow! ma waadan ku raalli noqon inaad ii joogto halkii uu Haaruun CS Muuse CS u joogay oo aanan ka ahayn inuuna Nebi iga dambeyn?

Sidoo kale wuxuu Nebi SCW yiri:- Ruuxii Cali jeclaada, aniguu i jeclaaday, Qofkii aniga i jeclaadana Alle buu jeclaaday. Qofkii Cali u caroodana aniguu ii carooday, qofkii aniga ii caroodana Alle buu u carooday.

Sidoo kale wuxuu yiri:- Umaddeydu waxaa ugu ogaal badan xagga qaddaha iyo xukunka Cali.

Fadaa’isha Cali intani waa ay ka badan yahiin, laakiin waxaa jira aqwaal iska raqiis ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo ay Shiicada u sameeyaan ka badbadin, illaa ayba dembi iyo gafaf waa weyn ku dhaceen. Waana halka ay ku nacladaan qaar badan oo kamid ah asxaabtii suusuubanayn. Calina wuxuu qiray in uu ummadani kii ugu fadli badnaa uu ahaa khaliifadii Rasuulka Alle SCW ee Abuu Bakar, marka laga yimaada Nebiga SCW.

Cali Oo La Shaqeynaya Dowladdii Abuu Bakar

Ibnu Jariir siduu xusay Cali Waxuu la mubaayacooday Abuu Bakar Siddiiq laba goor, taasoo ah markii hore ee lala mubaayacoonayay Abuu Bakar oo uu xilka qabtay iyo markii ay dhimatay Faadimah bint Rasuulillaah kadib goor dhimashadii aabaheed (Muxammed SCW) laga jooga lix bilood. Waxuu Abuu Bakar siiyey Cali laba dumar ah oo kamid ah dumarkii lagusoo qafaashay duulamadii uu Khalid bin Waliid ku qaaday dadkii diinta ka riddoobay, sidaan horeba u soo xusnay. Waxaa wax kama jiraan ah qowl ay shiicada yiraahdaan oo ah Cali inuusan la mubaayacoon Abuu Bakar Siddiiq ,arrintaasi waa iska hadal raqiis ah oo aan miisaaniyad iyo sixa tooni lahayn, waayo waxaa soo aroortay in uu xuruubtii ugu horeeysay (dagaalada) ee uu Abuu Bakar ku qaaday murtaddiintii sida duullaamadii Dil xazaa iyo Dil Qassaa oo uu isla Abuu Bakar hoggaaminayay Cali ayaa ku dhegay daabbadii uu saarnaa Abuu Bakar oo yiri:- Khaliifkii Rasuulkoow! ha bixin ee meeshaada joog oo beddelkaada qof kala dir waayo, haddi lagu asiibo (oo lagu dilo) Muslimiintu way isku dhex yaacayaan.

Waxuu ahaa Cali saxaabiga ugu xukunka iyo qadaha aqoonsan saxaabada. Waxuu yiri Ibnu jariir:- Cali marka hore ee uu la mubaayacooday Abuu Bakar waa markii ladoortay marka labaadna waa markay dhimatay Faadimah kadib. waayo Cali waxuu ku mashqulsanaa xanuunkii Faadima haayay lixdii bilood ee ugu horeeyay Xukunkii Abuu Bakar Siddiiq. Markii uu geeriyooday Abuu Bakar Siddiiq, Cali baa inta usoo galay uduceyay oo misne yiri:- Illaah nagama xarrimo ajarkaada.

Cali oo La Shaqeynaya Dowladdii Cumar

Cali wuxuu ahaa ninkii Abuu Bakar kula talinayay sida gaarka ah in xilka khilaafada uu u dardaarmo Cumar, sidaa daraaddeed isagoo Abuu Bakar la hadlaya ayaa hadalladiisii waxaa kamid ahaa:- Khaliifkii Rasuulka Alloow!! kuma raalli noqon cidaanan ahayn Cumar.

Haddaba markii uu geeriyooday Abii Bakar Siddiiq, oo khilaafadiina uu qabtay Cumar, wuxuu Cali ahaa mid kamid ah dadkii ugu horreeyay ee la mubaayacooday Cumar. Sidoo kale wuxuu Cali ahaa lataliyahii Cumar iyo mid kamid ah lixdii nin ee ahlu shuuraha ahaa ee uu latashan jiray Cumar bin Khadaab, sidoo kale waxuu ahaa ninkii uu Cumar ugu tegi jiray masuuliyadda magaallada Madiina, markuu Cumar u baxaaya arrimo magaallada dibaddeeda ah. Waxuu oran jiray Cumar:- Ragga waxaa ugu xukun iyo qaddo wanaagsan Cali bin Abii Daalib. Markii la dhaawacay Cumar ee uu hayay xanuunkii geerida, waxuu necbeystay inuu xilka uga tego qof kamid ah Muslimiinta oo markaas khalad yar intuu ka dhaco isaga loo qabsada dharaarta Qayaamaha. Sidaa daraaddeed waxuu door biday inuusan amiir usamaynin Muslimiinta. Waxuuna oran jiray:- Haddii aan amiir sameeyo waxaa sameyay (aniga hortey) mid aniga iga kheyr badan (yacni Abuu Bakar oo isaga amiir ahaan u doortay), haddiisa aan sameynin amiir waxaa (aniga hortey) aanan sameynin amiir mid aniga iga kheyr badan (yacni Nebiga SCW). Cabdullaahi bin cumar waxuu yiri:- Goortaas baan garowsaday inuusan Cumar cidna kudoorsaneyn Nabiga SCW oo uunan magacabeynin amiir. Kadib Cumar waxuu soo saaray lix ahlu shuura ah oo ka mid ah tobankii jannada loogu bishaareyay intii ka nooleyd marka laga reebo Saciid bin Zeyd bin Camr bin Nufeyl Al Cadawi oo Cumar qaraabadiisa ahaa, waayo Cumar waxuu oran jiray:- Reer Cumar arrimaha Muslimiinta halaga weydiiya maalinta Qiyaama nin qura (yacni aniga Cumar ah kaligey hala iga weydiiya arrimahii Musliiminta oo madoonaya in qof ehelkeyga uu xil ka qabta). Sidaas darteed Cali wuxuu kamid ahaa lixdii nin ee ehlu shuuraha ahaa. Kuwaasoo kala ahaa

  1. Cabduraxmaan bin Cowf Az- Zuhri
  2. Zubeyr bin Al Cawaam Al Asdi
  3. Cali bin Abu Daalib Al Haashimi
  4. Sacad bin Abuu Waqaas Az- Zuhri,
  5. Dhalxa bin Cubeydillaah At Taymi iyo
  6. Cuthman bin Cafwaan Al Umawi.

Si ay nin dhexdooda isaga dhex doortaan muddo saddex cisho ah kadib dhimashada Cumar. Ugu dambeyn Cumar waxuu u yeeray Abu Dalxa Al Ansaari oo uu amray in uu gurigiisa ku kulmiyo nimankaas oo uu lasocda Cabdullaah bin Cumar oo isagu goob joog kaliya ahaanaya oo aan talada waxba kulaheen.waxuu Cumar amray Abuu Dalxa Al Ansaari iyo Al Miqdaad inay soo kaxeystaan 50 nin oo ay waardiyo ka qabtaan lixdaas nin oo haddii ay muddo 3 casha gudahood nin kudooran waayaan uu lixdaba kurka ka jaro. Muddo kadib waxaa la doortay Cuthmaan. Waxuuse yiri Cumar:- Markay ka baxayeen Allaylahe! haddi ay doortaan Cali Jidka toosan ayuu ku hanuunin. Saa waxa la joogay wiilkiisii Cabdullaahi oo yiri:- Oo amiirkii Muminintow! maxaa kuu diidaya inaad Cali magacawdo? Waxuu yiri Cumar:- Waxaan diidayaa in masuuliyadaas ay dusheyda ahaato markaan dhinto kadib.

Cali oo La Shaqeynaya Dowladdii Cuthmaan

Markii ladoortay Cuthman bin Cafaan, Cali waxuu kamid ahaa dadkii ugu horeyay ee la mubaayacooday waxuuna kamid ahaa dadkii uu Cuthman la tashan jiray oo uu kala tashan jiray arrimaha dagaalka iyo howlaha kalee dowladda. Waxaa uu Cali had iyo goor usoo jeeday garab istaaga amiirka Mu’miniinta oo uu mar walba ag fadhin jiray lana waday howlaha, in uu dan ama howla gaar kumaqan yahay mooyaan. Markii ladilayay Cuthman waxuu Cali kamid ahaa dadkii ugu dambeyay ee usoo galayay intii xisaarka lagu hayay, bal e waxuuba ahaa ninkii ugu dambeyay ee biyo uu caba u keenay Cuthmaan markii xisaarka ay ku sameeyeen kuwii soo weeraray. Waliba Cali goortaasi waxuu u soo diray difaacidda amiirka Mu’miniinta wiilashiisii oo uu kusoo daray 700 oo kamid ah dhalanyartii saxaabada. Waxaa wiilashaasi kamid ahaa Xasan iyo Xuseen, Maxamed bin Dalxa bin Cubeydillaah, Cabdullaah bin Cumar bin Al Khaddaab iyo Cabdullaahi bin Zubayr iyo kuwa kale. Wuxuu Cali usoo diray wiilashaasi si ay u ilaaliyan Cuthmaan oo uga difaacaan nimanka fidna wadayaasha. waxana hogaaminayay dhalinyartaas Cabdullaahi bin Zubayr. Sannaddaas waxuu Cuthman amaray inuu Cabdullaahi bin Cabaas dadka xajka u kaxeeyo, wuuse ka cududaartay Cabdullaahi bin Cabbaas, wuxuuna ka dalbaday inuu ka qeyb qaato difaacidda amiirka Mu’miniinta, balse Cuthman baa ku adkeyay inuu baxo. Markii Cuthman la dilay Cali wuu ka fogaaday inuu qabta xilkan, balse waxaa ku qasbay Muslimiintii reer Madiina, markaasuu sidaas kuqabtay.

 

 

Khilaafadii Cali Bin Abii Daalib

Shan ama afar casho ayay magaalladii Madiina masuul ka ahaayeen fidna wadayaashii dilay Cuthmaan, oo uu madax u ahaa Qaafiqi bin Xarbi kadib dilkii Cuthmaan, asaga ayaana salaadda tujinayay, in kastoo mararka qaar ay haddana Cali hor marin jireen, oo ay ka dalbanayeen inuu tujiyo. Intaasi raggii fidna wadayaasha ahaa waxay raadinayeen ciday u dhiibaan xilka. Fidna wadayaashii ka yimid Masar, waxay doonayeen in xilka ay u dhiibaan Cali, kuwii Kuufa ka yimidna waxay doonayeen in xilka khilaafada loo dhiiba Zubayr bin Al Cawaam, halka kuwa Basra ka yimidna ay rabeen in loo dhiibo Dhalxa bin Cubeydullaah. Kuwii Masar ka yimid baa markaa waxay u tegeen Cali, saa wuu ku gacan seyray. Kuwii Basra kayimidayna waxay dooneen Dhalxa, saa wuu diiday, kuwii Kuufiyiintuna Zubeyr bay raadiyeen oo way soo waayeen. Markaas bay yiraahdeen:- Saddexdani midna uma dhiibeyno. Dabadeed waxay aadeen Sacad bin Abii Waqaas oo ay ka dalbadeen inuu xilka qabto, ayagoo ku oranaya:- Waxaad kamid tahay ahlu shuuraha. Balse iasaguna wuu ka diiday, oo ku gacan seyray. Dabeeto, waxay u tegeen C/llaahi bin Cumar bin Khaddaab oo ay u bandhigeen inuu qabto, saa kamuuna yeelin. Arrintii waxay kunoqotay afkii baa juuqda gabay, yaab iyo amakaag badanna waa ay ku reebtay, waayo haddii ay dileen Cuthmaan oo ay goballadii ku laabtaan iyagoonan wax khaliif ah sameynin, xaalladu waxay noqon doontaa dhib iyo qalalaaso, hadafkoogii horena sidaa inuu ahaa ayunbaa loo wada arki doonaa, markaasina ayaga uun baa la ugaarsan doonaa. Talo baa ku caddaatay nimankii fidna wadayaasha ahaa. Waxay falaanna way garan waayeen. Markaasi bay ku gooddiyeen inay layn doonaan dhammaan nimankii ahlu shuurada ahaa haddii aanay aqbalin arrinkan, sidoo kale reer Madiinana inay layn doonaan ayay ku goodiyeen. Markaas baa reer Madiina ay Cali ka dalbadeen inuu xilka qabto. Dabadeed raggii fidna wadayaasha ahaa waxay aadeen dhankii Cali, oo markaa ka hor ka galay beer kutiillay magaallada Madiina. Kadibna Ashtar An- Nukhaci ayaa gacantiisa qaaday oo la mubaayacooday dadkiina la mubaayacoodeen. Reer Kuufa waxay sheegan jireen in qofkii ugu horreeyay ee Cali lamubaayacooda uu ahaa Ashtar An- Nukhaci. Ammintu waxay ahayd sida uu Sayf bin Cumar xusay maalin Khamiis ah 24-kii bisha Dul Xajjah ee sanadkii 35aad ee Hijriga. Markii Jumcahii la gaaray oo ahaa maalintii xigtay maalinta Cali uu Ashtar la mubaayacooday buu mimbarka fuulay, oo dhammaan dadkii la mubaayacoodeen. Waxaa ugu horreeyay ee la mubaayacooday Dhalxa bin Cubeydillaah, dabeetana Zubayr baa yimid oo la mubaayacooday. Dabeeta reer Madiina oo idil baa la mubaayacooday.

Al Waaqidi wuxuu xusay in Ansaartii Madiina oo idil ay la mubaayacoodeen Cali, in yaroo inta Cali lala mubaayacoon Shaam u baxsatay mooyaane. Werinnada qaar waxay sheegaan, in raggani Ansaarta ahi aanay Cali lamubaayacoon Xassaan bin Thaabit, Kacab bin Maalik, Maslama bin Mukhlid, Abuu Saciid Al Khudri, Maxamed bin Maslama, Nucmaan bin Bashiir, Zayd bin Thaabit, Raafic bin Khadiij, Fudaalah bin Cubayd iyo Kacab bin Cujrah, wallaahu aclam.

Markii uu Cuthmaan geeriyooday, masuuliyiintiisii goballadu waxay ahaayeen sidan:

  1. Kuufa waxaa salaad tujinta u xil saarnaa Abii Muusal Ashcari, dhanka howlaha dagaalkana Al qacqaac bin Camr.
  2. Basra waxaa masuul ka ahaa Cabdullaahi bin Caamir.
  3. Masar waxaa masuul ka ahaa Cabdullaahi bin Sacad bin Abii Sarax, balse Maxamed bin Abii Xudeyfa ayaa kaga adkaaday gacan kuheynteeda.
  4. Guud ahaan Shaam waxaa masuul ka ahaa Mucaawiyah bin Abii Sufyaan.
  5. Ximis waxaa masuul ka ahaa C/Raxmaan bin Khaalid bin Waliid.

7, Qinnasriin waxaa masuul ka ahaa Xabiib bin Maslamah

  1. Urdun waxaa masuul ka ahaa Abul Acwar Al Sulami.
  2. Falastin waxaa masuul ka ahaa Xakiim bin Calqamah.
  3. Aderbiijaan waxaa masuul ka ahaa Ashcath bin Qeys Al Kindi.
  4. Qirqiisiyaa waxaa masuul ka ahaa Jariir bin Cabdillaahi Al Bujali.
  5. Xulwaan waxaa masuul ka ahaa Cutaybah bin Nihaas .
  6. Qeysaariyah waxaa masuul ka ahaa Maalik bin Xabiib.
  7. Hamdaan waxaa masuul ka ahaa Xubaysh bin Nasiir.
  8. Yeman waxaa masuul ka ahaa Yaclaa bin Umayah.

Qaadiga magaallada Madiina wuxuu ahaa Zayd bin Thaabit, beytul maalkeedana waxaa masuul ka ahaa Cuqbah bin Camr- Abii Mascuud.

Markii Cuthmaan la dilay, Nucmaan bin Bashiir baa wuxuu qaaday khamiiskii Cuthmaan lagu dilay oo ay ku dhegan yahiin farahii xaaska Cuthmaan ee Naa’ilah bint Faraafizah, wuxuuna la galay Shaam. Markii khamiiska Mucaawiyah loo geeyey wuxuu dul suray mimbarka si ay dadka oo dhami u arkaan, dadkiina wuxuu ku booriyey in la raadiyo dhiigga Cuthmaan oo la laayo wixii ka dambeeyey dilkiisa. Reer Dimashiq hareerahii mimbarka ayay ku dul ooynayeen iyagoo marna khamiiska kor uqaadaya marna hoos u dhigaya, waxayna isku dhaarsadeen inay laayaan wixii ka dambeeyey dilkii amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan. Muddo sanad ah ayay ku hoos barooranayeen khamiiska oo ay isku boorinayeen inaanan loo fadhiisan ee la raadiyo dhiigga Cuthmaan. Wuxuuna reer Shaam iyo guud ahaan Muslimiintii oo idilba sanadkani u ahaa sanad madow, rag badan baana ka fogaaday haweenkooda oo u murugeysnaa dilkii Cuthmaan.

Qaar kamid ah saxaabadii qiimaha badneyd ee ku sugnayd Shaam, ayaa ugu cadcaddaa dadkii ku boorinayay reer Shaam in dhiigga Cuthmaan la raadiyo, waxayna raggaasi saxaabada ahi kala ahaayeen Cubaadah bin Saamit, Abuu Dardaa Al Ansaari, Abuu Umaamah, Camr bin Canbasah, iyo qeyrkooda. Sidoo kale rag aanan saxaaba ahayn oo raggii suusuubbanaa ee taabicinta ahaa kamid ah baa iyana kamid ahaa dadkii sida aadka ugu boorinayay reer Shaam in la raadiyo dhiiggii Cuthmaan, waxaana raggaasi ka mid ahaa Shariik bin Xabbaasha, Abuu Muslim Al Khowlaani iyo C/Raxmaan bin Qanam iyo qeyrkooda.

Dhanka kale markii Cali lala mubaayacooday, oo baycadii Madiina dhammaatay, bay madaxdii saxaabada sida Zubayr iyo Dhalxa u soo galeen Cali oo ka dalbadeen in nimankii dilay Cali ee fidna wadayaasha ahaa uu xadka ka oofiyo. Saa Calina wuu ka cududaartay, wuxuuna u sheegay in waqti xaadirkani aanay arrintaasi suuro gal ahayn, waayo dowladdiisii baanan si qummaati ah u istaagin, goballadiina si saani ah umaanay wada hoggaansamin, raggan fidna wadayaasha ahina, waxay haysteen gurmadyo ku kala sugan goballada oo ayaga la fikrad ahaa. Sidaa daraaddeed buu Cali u sheegay Dhalxa iyo Zubayr inaanay immikadaasi habbooneyn suuro galna ahayn in xadka laga oofiya raggii fidna wadayaasha ahaa.

Markaas buu Zubayr ka dalbaday Cali inuu u dhiibo masuuliyadda Kuufa, si uu ciidama culus ugu soo diro, sidoo kale Dhalxana, wuxuu ka dalbaday in asagana uu u dhiibo masuuliyadda Basra si uu ciidamo culus ugu soo diro, dabeetana la boqno jaro fidna wadayaashii dilay Cuthmaan iyo wixii ka dambeeyay dilkiisuba. Calina wuxuu ka dalbaday inay u ogolaadaan inuu ka soo fiirsada arrinkaasi. Waxaa kaloo la sheegaa inuu ka diiday oo uu ka codsaday inay asaga la joogaan si ay howlaha ula wadaan. Sidoo kale waxaa la sheegaa in Cali uu daliishaday xadiis uu Rasuulku SCW ku tilmaamayay in qofkii xukum ama masuuliyad weydiista inaanan la siin. Isku soo duubo Cali umuuna dhiibin labadaasi saxaabi goballadii ay ka dalbadeen. Dabeeto Dhalxa iyo Zubayrba waxay Cali ka dalbadeen inuu u idmo inay aadaan Makka, saa wuu u idmay.

Muqiirah bin Shucbah baa u soo galay Cali oo ku yiri:- Waxaan arkaa inaadan masuuliyiintaada goballada aadan baddalin, markii ay kuu wada hoggaansamaan baddal kaad doonto oo daa markaasi midka aad rabto.

Cali wuxuu ahaa nin go’aan adag leh, wuxuuna isagu markaasi damacsanaa in masuuliyiinta goballada oo idil uu baddelo si uu dowlad cusub u aasaaso. Fikirkiisii ayuuna laasimay oo uu ku adkeystay. Maalintii xigtay ayuu Muqiirah mar kale usoo galay Cali oo ku yiri:- Waxaan arkaa inaad casisho (dhammaan masuuliyiinta goballada) si aad u ogaato midka ku adeecaya iyo kan ku caasiyaya.

Cali wuxuu arrintaasi uga warramay Cabdullaahi bin Cabbaas, saa wuxuu C/llaahi ku jawaabay:- Shalay wuu kuu naseexeeyay, maantana wuu ku qashqashay.

Markuu Muqiirah maqlay ta’wiilkii Ibnu Cabbaas, baa wuxuu yiri:- Haaheey! waan u naseexeeyay oo markiina uu iga yeeli waayay, baan qashqashay. Dabadeed Muqiirah wuu baxay oo wuxuu aaday magaalladii Makka, halkaasoo uu kula kulmay Dhalxa iyo Zubayr iyo jamaaco kale. Dabadeed Cabdullaahi bin Cabbaas ayaa Cali kula taliyey in masuuliyiinta goballada uuna baddalin oo uu sidooda ku daayo, haddii uu baddalayana, wuxuu ka dalbaday in Mucaawiyah uuna baddalin. Cali wuxuu usheegay inuuna asagu fikirkaasi qabin, wuxuuna ku yiri:- Orodoo aad Shaam, adigaan kuu wakiishaye. C/llaahi bin Cabbaas arrintaasi wuu ka cududaartay, wuxuuna ku adkeeyey inuuna Cali casilin masuuliyiinta goballada, balse Cali fikir aanan kaas ahayn buu qabay.

Sanadkaasi 35aad ee Hijriga, ayuu boqor Qusdandiin iyo ciidama culus oo uu wato soo weeraray dhulkii Muslimiinta ee galbeedka Shaam, wuxuuna watay 1000 markab oo ciidamo ah. Illaahay baa inta dabbeyl duufaan ah usoo diray halligay dhamman ciidamadiisii, waxaana ka badbaaday boqorkii iyo in yaroo fara ku tiris ah.

SANADKII 36AAD

Muddo yar ka dib baycadii Cali waxa la galay sanadkii 36aad ee Hijriga. Wuxuuna Cali sanadkan casilay qaar kamid ah masuuliyiintii goballada, una magacaabay masuuliyiin cusub. Yeman wuxuu madaxa uga dhigay Cabdullaahi bin Cabbaas, Basra wuxuu madaxa uga dhigay Samurah bin Jundub (ama Cuthmaan bin Xaniifa), Kuufana wuxuu u dhiibay Cammaarah bin Shihaab, Masarna wuxuu madaxa uga dhigay Qeys bin Sacad. Shaam oo idilna wuxuu madax uga dhigay saxaabigii Jaliilka ahaa ee Sahal bin Xaniifah, asagoo kubaddalaya Mucaawiyah oo muddo halkaasi masuul ka ahaa, reer Shaamna ay aad u barteen.

Sahal wuxuu aaday dhankii Shaam si uu xilkiisa u guto, markiina uu maraya Tabuuk ayay ka hor yimideen ciidama dhanka Mucaawiyah kasocda oo dib usoo celiyey. Saa magaalladii Madiina ayuu dib ugu laabtay.

Qeys bin Sacad wuxuu asaguna aaday Masar, markiina uu galay, wuxuu kala wareegay Maxamed bin Abii Xudeyfa, saa intii badneyd dadkii Masar, waa ay la mubaayacoodeen in yar mooyaane oo diidday in ay lamubaayacoodaan, in marka hore xadka laga oofiyo raggii Cuthmaan dilay mooyaane. Kuwaasuna cidi waxba uma aanay dhimeyn. Sidaa buu Qeys ku istiqraariyey dhulkii Masar oo Calina baycadii uga soo qaaday.

Ammaa Cammaarah bin Shihaab, wuxuu aaday dhankii Kuufa oo ah halkii loo diray, markiina uu ku dhawyahay ayaa waxaa ka hor yimid Dhalxa bin Khuweylid oo dib usoo celiyey. Abuu Muusa Al Ashcari ayaa reer Kuufa inta u khudbeyey ka dalbaday inay u hoggaansamaan Cali oo ay la mubaayacoodaan, saa way la mubaayacoodeen oo u hoggaansameen, in yar mooyaane. Markaas buu Abuu Muusa reer Kuufa ka qaaday baycadii oo warqad u diray dhankii Cali asagoo ogeysiinaya inay u hoggaansameen daacadda oo ay la mubaayacoodeen.

Amiirkii Mu’miniinta ee Cali bin Abii Daalib, warqado ayuu si joogta ah isaga daba dirayay oo uu u dirayay dhanka Mucaawiyah, balse wax kajawaab ah kamuuna helin. Teer iyo markii la doortay illaa bishii saddexaad ee sanadkan ayuu warqado u dirayay oo uu wax war ah iyo jawaabna tooni ka la’aa.

Goballadii oo idil ayaa u hoggaansamay Cali marka laga reebo Shaam oo Mucaawiya uu diiday inuu masuulkii uu Cali soo magacaabay kuwareejiyo masuuliyadda Shaam, sidoo kalena diiday inuu la mubaayacooda, intaasina waxaa laga la’aa wax jawaab ah warqadihii uu qorayay amiirkii Mu’miniinta. Teeda kale waxaynu soo xusnay murugadii fuushay sanadkii tegay Muslimiinta, kadib markii la dilay Cuthmaan bin Cafaan, waxaana soo xusnay in reer Shaam ay har iyo habeenba ay ku hoos barooranayeen mimbarka uu dul surnaa khamiiskii Cuthmaan bin Cafaan.

Cali markuu wax jawaab ah ka la’yahay buu go’aansaday in Shaamna uu kusoo dabbakha daacadda iyo midnimada, wuxuu go’aansaday inuu aado dhanka Shaam isagoo wato ciidama culus. Wuxuu warqad u diray Qeys bin Sacad oo ahaa masuulkii Masar, asagoo ka dalbanaya inuu ciidama usoo diro. Sidoo kale Abii Muusa Al Ashcari oo uu Kuufa kaga raalli noqday kadib markii ay reer Kuufa dalbadeen inaanan laga baddalin ayuu asagana warqad u qortay asagoo ka dalbanaya inuu ciidamo usoo diro.

Cali bin Abii Daalib wuxuu sameeyey diyaar garowgii ugu dambeeyey asagoo doonaya inuu Shaam aado oo la dagaallama ciddii ku caasida, dabeeta wuxuu ka dhaqaaqay magaalladii Madiina, asagoo magaalladiina ku dhaafay Quthum bin Al Cabbaas masuul ahaan. Kadib waxaa la kulmay wiilkiisii Xassan oo ka dalbaday aabahiis inuuna bixin oo uusan aadin dhanka Shaam, balse Cali muuna yeelin taladaasi, wuxuuna go’aansaday inuu soo edbiyo reer Shaam oo muddo uu ka la’aa wax jawaab ah, xaalkooduna dhan usoo tuuro. Wuxuu dhisay ciidamadiisii, asagoo calanka u dhiibay wiilkiisa Maxamed Ibnu Xanafiyah, C/llaahi bin Cabbaasna wuxuu madax uga dhigay ciidamada midigta, Cumar bin Abii Salamana wuxuu u dhiibay kuwa bidixda, waxaa kaloo la yiraahdaa:- Ciidamada bidixda wuxuu madax uga dhigay Camr, bin Sufyaan bin Cabdil-asad, ciidamada hore wuxuu madax uga dhigay Abii Leylaa bin Camr bin Cabdillaahi bin Jarraax (oo uu dhalay Abuu Cubeydah Caamir bin C/llaahi bin Jarraax walaalkiis). Dabeetana wuu dhaqaaqay oo uu ka baxay magaalladii Madiina, asagoo ku jiheysan dhanka Shaam. C/llaahi bin Salaam ayaa daabbadii uu fuulay Cali hoggaankeeda qabtay oo kula taliyay inuusan bixin, wuxuuna usheegay haddii uu Madiina ka baxa inay khilaafa dambe dib ugu soo laabaneyn. Cali wuxuu ku adkeystay ra’yigiisii ahaa inuu baxo oo aado dhanka Shaam, si uu xaalkooda dhan ugu tuuro, oo ay u hoggaansamaan. Dabeetana wuu sagootiyey wuuna ka haray C/llaahi bin Salaam Illaahay haka raalli noqdee. Sidaa ayuu Cali ku abbaaray dhankii Shaam.

Dhacdadii Jamal

Tani waxay ahayd xaallad Rabbaani ah oo Ilaahay qaddaray. Sababtuna waxay ahayd, markii uu dhacay dilkii Cuthmaan baa dad badan oo kamid ah reer Madiina ay u baxeen Makka. Sanadkaasi asaga ahi hooyooyinkii Mu’miniinta (waa dumarkii Rasuulkee SCW) waxay u baxeen Xajka ayagoo ka cararaya fitantii ka dhacday magaallada Madiina. Markii ay howlahoodii Xajka ahaa guteenna waxay ku sii nagaadeen Makka, ayagoo waaga ka war dhowraya, oo fiirinaya waxa ay dadku falaan. Markii Cali lala mubaayacooday, baa qaar kamid ah sanaaddiidii saxaabadu ay ku taliyeen in uu xadkii ka oofiyo raggii ka qeyb qaatay dilkii Cuthmaan iyo kuwii ka dambeyeyba, Calise wuxuu ku cududaartay in xaaladda lagu jira darteeda aysan munaasib ahayn in xilligaasi uu xadkii ka oofiyo, wuxuuna cuskaday in raggaasi ay gurmad iyo ciidama leeyahiin, oo ayba ka feejagan yahiin in ummadda Muslimiintu dhan isu raacdo. Cali wuxuu doonayay in marka hore goballadu hoggaansamaan, dowladdiisuna si saani ah uga caga dhigato oo ay shaqeyso, intaa dabadeedna uu markaa xadka ka oofiyo wixii dilay Cuthmaan iyo kuwii ka dambeeyayba. Sidaa daraaddeed bay dad badan oo reer Madiinah ah aadeen dhanka magaallada Makka ayagoo ra’yigaasi Cali kaga soo horjeeda.

Cali markii uu go’aansaday inuu aado Shaam sidaynu soo xusnay, baa wuxuu la hadlay reer Madiina, oo uu ka dalbaday inay raacaan, iyana badankoodii ma aanay yeelin. Dabeeto wuxuu u tegay Cabdillaahi bin Cumar oo uu ka dalbaday inuu raaco. Cabdullaahise wuxuu ku jawaabay:- Anigu waxaan ahayn nin kamid ah reer Madiina, haddii ay ku raacaan, aniguna waan ku raaci, anigoo ku maqlaya oo ku adeecsan. Balse sanadkani ma doonaya inaan dagaal u baxo (waayo waa xilli fitan).

Dabeeto Cabdillaahi bin Cumar, wuu diyaar garoobay, wuxuuna aaday magaalladii Makka, halkaasi sanadkaas waxaa isugu tegay wujuuhdii Muslimiinta iyo sanaaddiidii saxaabada oo ay kamid ahaayeen, Dhalxa bin Cubeydillaah, Zubayr bin Al Cawaam, C/llaahi bin Cumar, C/llaahi bin Zubeyr, Caa’isha, iyo hooyooyinkii Mu’miniinta, iyo qaar kaloo badan. Sidoo kale waxaa Makka markaasi tegay Yaclaa bin Umayah, oo ahaa masuulkii Cuthmaan u joogay Yeman, wuxuuna watay 600 oo awr iyo 600 000 oo Dirham. Sidoo kale waxaa yimid C/llaahi bin Caamir oo isaguna ahaa masuulkii Cuthmaan u joogay Basra oo uu Cali ka casilay.

Ayadoy xaalladu sidaasi tahay bay hooyadii Mu’miniinta ee Caa’isha dadkii ka dhex istaagay oo ku booriday in la raadiyo dhiiggii Cuthmaan, oo la laayo wixii dilay iyo kuwii ka dambeeyayba, waayo waxay ku dileen dhulkii xurmeysnaa, iyagoo dilay bil kamid ah bilahii xurmeysnaa. Bulshadii reer Makka aad bay ugu riyaaqeen hadalkii Caa’isha, waayo maskaxdoodii ayay waxyeello ku reebtay dilkii Cuthmaan. Wax kale maanay dooneyn hooyadii Mu’miniinta aanan ka ahayn wanaag iyo sama katalis Illaahay haka raalli noqdee. Waa afadii Rasuulka Alle SCW ee if iyo aakhiro. Waxaa laga wada hadlay halkii marka hore laga billaabi lahaa oo laqaban lahaa. Qaar baa waxay ku taliyeen in la aado Shaam, haddana waxay yiraahdeen:- Mucaawiyah baa nooga filan. Qaar kale waxay soo jeediyeen in la aado Madiina oo Cali la weydiisto inuu usoo gacan geliyo wixii Madiina kusugan ee ka qeyb qaatay dilkii Cuthmaan dabeetana ay laayaan. Fikraddaasi waxaa qabay Cabdillaahi bin Cumar oo isagu soo jeediyey in xaalladu aanay noqon fowda iyo dhib, wuxuuna amray in la aado dhanka Cali. Qaar kale waxay soo jeediyeen in la aado Basra, oo halkaasi lagu laayo wixii laga helo kuwii ka dambeeyay dilkii Cuthmaan dabeetana Kuufa iyo Shaam looga sii gudbo. Fikirkaasi dambe ayay qaateen oo la isku raacay. Dabeetana waxaa la diyaariyey ciidamadii. Waxaa si mug weyn uga qayb qaatay diyaarinta ciidamadaasi Yaclaa bin Umayah oo isagu ku bixiyey 600 oo awr iyo 600 000 Dirham. Sidoo kale Cabdullaahi bin Caamir ayaa isaguna ka qeyb qaatay diyaarinta ciidankaasi, oo bixiyey maal aad u tiro badan. Markii go’aankaasi dambe la isku raacay baa dhammaan hooyooyinkii Mu’miniinta waxay isku raaceen inay iyagu ka haraan safarkaasi, Caa’isha mooyaane, waxayna iyagu qabeen fikirkii Ibnu Cumar mid lamid ah, waxayna yiraahdeen:- Aadi mahayno meelaanan Madiina ahayn. Xafsa bint Cumar oo kamid ahayd hooyooyinkii Mu’miniinta ayaa damacday inay baxdo, waxayna ku waafaqday ra’yigii Caa’isha, balse walaalkeed Cabdillaahi bin Cumar ayaa taa ka reebay, oo ka celiyey.

Caa’isha waxay saarneed awr la oran jiray Caskar oo huudaj loogu dul sameeyay. Waxaana awrkaasi soo iibiyey Yaclaa bin Umaya, oo ka soo siiyey nin reer Cureyni ah 200 oo Diinaar, waxaa kaloo la la sheegaa inuu kasoo siistay 800 oo Diinaar.

Ciidamadaasi waxay noqdeen 1000 fardooley ah ama 900 fardooley ah. Waxay ka baxeen magaalladii Makka, hooyooyinkii Mu’miniintuna waa ay raaceen si ay u sagootiyaan Caa’isha. Markii ay gaareen Daatu Cirqin ayay isasagootiyeen, oo isku ooyeen, saa dadkii oo idil wada ooyeen. Waxaana maalintaasi loo bixiyey- Yowmu Naxiib. Intaa dabadeed waxay hooyooyinkii Mu’miniinta oo idil marka laga reebo Caa’isha aadeen dhankii Madiina. Sidoo kale Ibnu Cumarna wuxuu aaday Madiina.

Ciidamadii way dhaqaaqeen, waxayna aadeen dhankii Basra. Intii ay dhexda sii socdeen ayay noqdeen 3000, salaaddana waxaa tujinyay C/llaahi bin Zubayr oo ay dhashay Caa’isha walaasheed Asmaa bint Abii Bakar, Caa’isha ayaana amartay, aadaanka waqtiyada salaadduna waxaa addimyay Marwaan bin Xakam. Goor habeen ah oo ay marayaan meel biyo ah oo la yiraahda Xaw’ab ayay eydii meeshaasi joogtay ku ciyday. Markaasay Caa’isha weydiisay:- Magaceed meeshani? Waxaa lagu yiri:- Waa Xaw’ab. Markaasay gacanteeda gacanta kale ku dul dhufatay oo tiri:- Innaa lillaah wa innaa ileyhi raajicuun. ma u maleynayo waxaanan ahayn inaan laabto. Waxaa la weydiiyey:- Oo sabab? Waxay ku jawaabtay:- Waxaan maqlay Rasuulka Alle SCW oo dumarkiisa ku oranaya:- Shallaytadeydee waa tuma middiina ay eyda Xaw’ab ku ciyi doonto? Kadib awkii bay fadhiisisay, oo ay tiri:- I celiya!! celiya!! waa aniga wallaahay midda ay ku ciyday eyda Xaw’ab.

Cabdullaahi bin Zubayr ayaa ku yiri:- Qofkii kugu yiri:- Meeshani waa Xaw’ab been buu kuu sheegay. Dabeeto waxaa la maqlay dhawaqa dad oranaya:- Bad baado bad baado!!, waa kuwan Cali iyo ciidamadiisa. Dabeeta ciidamadii Caa’isha ay hor kacaysay waxay u weecdeen dhankii Basra. Markii ay magaalladii Basra u dhawaadeen ayay Caa’isha warqad u qortay Axnaf bin Qeys iyo madaxdii magaalladaasi kusugnayd iyadoo ku war gelineyso inay timid.

Cuthmaan bin Xaniifah oo markaasi oday saxaabi ahaa oo masuul ka ahaa magaalladaasi, ayaa wuxuu soo diray Cimraan bin Xuseen iyo Abul Aswad Al Du’ali, si bal ay usoo ogaadaan waxa ay u yimideen Caa’isha iyo Dhalxa iyo Zubayr. Markaasay u tegeen hooyadii Mu’miniinta ee Caa’isha oo ay marka hore salaameen, dabeetana weydiiyeen waxa ay u timid. Saa waxay usheegtay, wixii ay u timid oo ah raadinta iyo u istaagidda dhiiggii Cuthmaan, oo la dilay asagoo la dulmiyey, ladilayna bishii xurmeysneed iyadoo lagu dilay baladkii xurmeysnaa. Waxay akhriday qowlka Alle kor ahaaye

”Kheyr malahan in badanoo faqooda ah, marka laga reebo qof amraya saddaqo, ama wanaag ama wanaajin dadka dhexdooda, qofkii sidaa u fala doonid raalli ahaanshaha Alle, waxaanu siin doonnaa ajar weyn” (Suuradda Al Nisaa aayadda 114).

Markaasay ka ag dhaqaaqeen labadii nin oo waxay u tegeen Dhalxa,, oo ay weydiiyeen waxa uu u yimid? Wuxuuna usheegay, inuu u yimid raadinta dhiigga Cuthmaan. Waxay weydiiyeen:- Ma waadan la mubaayacoon Cali? Wuxuu ku jawaabay:- Haa oo seef baa qoorta ii saarneed (macnaha qasab bay igu ahayd). Markaasay ka tegeen oo u tegeen Zubayr bin Al Cawaam oo ay weydiiyeen wixii ay Dhalxa weydiiyeen oo kale, asagiina sidii Dhalxa oo kale ayuu ugu jawaabay.

Dabeeta labadii ergo way laabteen oo u tegeen Cuthmaan bin Xaniifa, oo uga warrameen wixii ay kala soo kulmeen Caa’isha iyo Dhalxa iyo Zubayr. Markaas buu Cuthmaan yiri :- Innaa lillaah wa innaa ileyhi raajicuun, way wareegtay rixadii Islamka Rabbiga Kacabadaan ku dhaartaye.

Wuxuu dabeeto Cuthmaan la hadlay Cimraan bin Xuseen oo uu ka dalbaday inuu la taliyo. Wuxuuna Cimraan ku yiri:- Isaga fogoow (fidnadan oo gurigaaga fadhiiso) aniguna gurigeyga ayaan fadhiisane. Cuthmaan wuxuu yiri:- Mayee waan ka celin (magaallada) jeer uu yimaada amiirkii Mu’miniinta. Dabeetana dadkii magaallada ayuu amray inay hubkooda soo xidhaan, oo masjidka heegan ku noqdaan. Iyagiina sidii bay faleen. Markaas buu Cuthmaan inta mimbarka fuulay u khudbeeyay. Asagoo khudbeynayo ayuu nin kamid ah reer Basra istaagay, waxaana ninkaasi la oran jiray Qeys bin Caqadiyah Al Xumeysi, wuxuuna yiri:- Haddii ay qowmkani u yimideen cabsi darteeda, dhab ahaan waxay ka yimaadeen dhul ay shimbiruhu ku nabad helaan. Haddiina ay u yimideen inay doonayaan dhiiggii Cuthmaan haddee annagu maynaan dilin, ee i adeeca oo ku celiya halkii ay ka yimideen.

Kadib waxaa istaagay Al Aswad bin Sariic As- Sacdi, oo yiri:- Waxay u yimideen inaanu ugu gargaarno kuwii dilay Cuthmaan ee inaga midka ahi iyo kuwaan naga mid ahaynba. Markaa bay koox dhan u jawaabeen oo meeshii buuq iyo sawaxan ka dhacay. Markaas buu ogaaday Cuthmaan bin Xaniifa in raggii Curhmaan dilay ay Basra wax ka joogaan kuna leeyahiin gargaar, markaa buu arrintaasi karhay oo iska aamusay.

Hooyadii Mu’miniinta iyo ciidamadeedii horey bay u soo dhaqaaqeen oo waxay soo degeen Marbad. Reer Basra wixii doonayay inay u tagaan oo maceeda noqdaanna way u tegeen. Cuthmaan bin Xaniifana magaalladii Basra ayuu ka soo baxay asaga iyo ciidamadiisii, waxayna labada qola ku kulmeen Marbad. Markaas buu Dhalxa oo hoggaaminayay ciidamada midigta ee Caa’isha hadlay oo dadkiisii ku booriyey in la raadiyo dhiiggii Cuthmaan. Dabeetana Zubayr baa ka daba istaagay oo sidii oo kale ku booriyey dadka in loo istaaga raadintii dhiigga Cuthmaan bin Cafaan, saa waxaa u jawaabay qaar kamid ah ciidamadii Cuthmaan bin Xaniifa, oo hadallo kulul kula hadlay, dabeetana way is dhagaxyeeyeen labada qolo, oo markii dambana kala leexdeen. Koox kamid ah ciidamadii Cuthmaan bin Xaniifa ayaa ku biiray ciidamadii Caa’isha, markaasay iyana bateen. Xaaritha bin Qudaamah As Sacdi ayaa inta u tegay hooyadii Mu’miniinta ee Caa’isha ku yiri:- Hooyadii Mu’miniintaay!! Illaahay baan ku dhaartaye dilka Cuthmaan baa ka fudud inaad gurigaaga kaga soo baxdo awrkan, haddii aad inoo timid adigoo ah mid ina adeeceyso, ku laabbo halkii aad ka timid iyo gurigaaggii.

Dabeeta waxaa yimid Xakiim bin Jablah oo hoggaaminayay fardooleyda Cuthmaan bin Xaniifa, wuxuuna weerarro ku qaaday dhankii ciidamada kale, sidaa oo ay tahayna ciidamadii Caa’isha ma aanay dooneyn inay la dagaallamaan oo gacmahooda ayay laabanayeen. Markaas bay Caa’isha amartay inay is difaacaan oo riixaan iskana caabiyaan weerarrada. Saa way riixeen jeer ay ka dul rideen maqbarada banii Maazin. Dabeeta waxaa kala dhex galay habeenkii oo qola waliba halkeedii bay u hoyatay. Subaxii labaad ayay isu soo kallaheen oo dirir darani dhex martay oo socotay illaa ay maalintii dhammatay. Waxaa in badan laga dilay ciidamadii Cuthmaan bin Xaniifa, dhaawacuna labada dhinac wuu ku batay. Markaas bay ku heshiiyeen in dagaalka la joojiyo oo Madiina qof loo diro si uu u soo weydiiyo dadka reer Madiina in Dhalxa iyo Zubayr ay la mubaayacoodeen Cali ayagoo raalli ah ama in ay qasab ku ahayd. Waxaa lagu heshiiyey haddii Dhalxa iyo Zubayr ay qasab ku ahayd baycadii Cali in Cuthman bin Xaniifa uu ka baxo magaallada Basra oo uu u daayo ayaga. Haddiina aysan qasab ku ahayn markii ay la mubaayacoonayeenna inay markaasi Dhalxa iyo Zubayr u daayaan magaallada masuulkeedii Cuthmaan bin Xaniif. Waxaa arrintaasi loo wakiishay Kacab bin Suur oo loo diray dhanka magaalladii Madiina. Wuxuu magaalladii galay maalin Jumca ah oo inta mimbarkii ka istaagay dadkii weydiiyey in Dhalxa iyo Zubayr ay si qasab ah kula mubaayacoodeen Cali iyo in kale. Markaasi bay dadkii oo idil wada aamuseen, Usaama bin Zayd mooyaane oo isagu yiri:- Waxay ku ahayd qasab.

Markaas bay rag badan oo reer Madiina kamid ahi ku canaanteen Usaama sababtii uu u hadlay oo waxay ku yiraahdeen:- Maxaad u aamusi weyday sidaanu u aamusnay oo kale. Wuxuuna kujawaabay:- May Illaahay baan ku dhaartaye, waxaan filayay in arrinku uuna intaa ku dhammaaneyn. Dadkii ku canaantay falkaasi waxaa kamid ahaa Suhayb bin Sinaan iyo Abuu Ayuub Al Ansaari. Cali warqad ayuu Cuthmaan horey ugu soo diray asagoo ku ogeysiinaya in Dhalxa iyo Zubayr ay horey ula mubaayacoodeen. Markii Kacab uu farriintii reer Madiina u geeyey Cuthmaan, baa haddana waxaa timid warqaddii Cali, markaasuu Cuthmaan yiri:- Tanina waa arrin kale oo aynaan ku tashaneyn. Dhalxa iyo Zubayr waxay usoo cid direen Cuthmaan bin Xaniifa ayagoo ka dalbanaya inuu magaallada u banneeyo, saa asagiina wuu diiday. Dabeeta waxay soo direen rag goor habeennimo ah, oo galeen masjidkii jaamaca ah, kuna tukadeen salaaddii Cishaha, Cuthmaanna habeenkaasi ma uuna soo bixin, wuxuuna u wakiishay tujinta salaadda Cabdiraxmaan bin Cataab bin Usayd. Dabeeto buuq iyo qalalaaso iyo rabshado ayaa ka dhacday masjidkii, waxaana halkaasi ku geeriyooday kudhawaad 40 qofood. Dabeeto qaar kamid ah wax ma kastii ayaa inta Cuthmaan bin Xaniifa soo qabteen ayay u geeyeen Dhalxa iyo Zubayr saa iyana waxay u geeyen Caa’isha, markaasay amartay in lasii daayo.

Ciidamadii Caa’isha magaalladii Basra ayay soo galeen, waxayna beytul maalka masuul uga dhigeen C/Raxmaan bin Abii Bakar. Dhalxa iyo Zubayrna dadkii ayay hantidii u qeybiyeen, waxayna u badiyeen kuwii adeecsanaa ee iyaga la socday. Dhalxa iyo Zubayr markii ay istaqraariyeen magaalladii Basra, ayaa waxaa yimid Xakiim bin Jablah oo wata 300 oo fardooley ah, wuxuuna ninkani dagaalladii hore hoggaaminayay fardooleydii Ibnu Xaniifa sidaynu soo xusnay, sidoo kalena wuxuu kamid ahaa raggii ku lug lahaa dilkii Cuthmaan bin Cafaan Illaahay haka raalli noqdee. Wuxuu ninkani weerar ku qaaday ciidamadii Dhalxa iyo Zubayr, dabeetana way ka adkaadeen oo isagiina waala dilay. Dabeeto waxay laayeen ku dhawaad 70 kamid ahaa dadkii ka dambeeyey dilka Cali, wixii ay ka heleen magaallada Basra.

Waqtigaasi wuxuu ahaa ayadoo shan casho ay ka dhimmantahay bishii Rabiicul Aakhir ee sanadkan. Caa’isha waxay warqad u dirtay Zayd bin Sowxaan oo ay ka dalbatay inuu la safta ayada. Haddiina uu sidaa yeelin, waxay ka codsatay inuu gurigiisa iska fadhiista oo uuna la safan Cali. Markaas buu Zayd yiri:- Illaahay ha u naxariisto hooyadii Mu’miniinta, Illaahay baa wuxuu amray inay gurigeeda joogta, innaguna wuxuu ina amray inaanu dagaalka aadno, markaasay kasoo baxday gurigeedii, saa waxay ina amreysaa inaanu guryahayaga joogno, iyadoo naga mudnayd arrinkaas. Sidoo kale reer Kuufa iyo reer Yamaamah ayay Caa’isha sidaa oo kale u qortay.

Haddaba aynu u weecanno dhankii Cali, oo aynu ogeyn inuu ku jiheysnaa dhanka Shaam asagoo kasoo kicitamay magaalladii Madiina. Waxaase uga soo hor martay inuu Shaam galo arrintii Dhalxa iyo Zubayr iyo Caa’isha iyo xaalladdii magaallada Basra. Habkii uu ciidamadiisii horey ugu soo dhisay ayuu kusoo dhaqaaqay Cali, wuxuuse masuuliyaddii magaallada Madiina ka baddalay Quthum bin Cabbaas oo uu amray inuu Makka masuul ka noqdo, Madiinana wuxuu masuul uga dhigay Tamaam bin Al Cabbaas. Ciidamadiisu waxaa ku jiray Cammaar bin Yaasir, Abul Haytham bin Taymaan, Abu Qataadah Al Ansaari, iyo Ziyaad bin Xandala iyo rag kaloo saxaaba ah. Ciidamadiisu waxay ahaayeen 900 oo dagaalyahanno ah. Wuu soo dhaqaaqay, ammintuna waxay ahayd bishii Rabiicul Aakhir dhammaadkeedii. Wuxuu degay Rabdah, markiina uu soo gaaray wixii Basra ka dhacay buu Madiina u cid diray si wixii hub ahaa ee u yiillay loogu soo qaado. Dabeetana wuu dhaqaaqay. Dabeetana wuxuu Kuufa u diray Maxamed bin Abii Bakar iyo Maxamed bin Jacfar (oo dhanka hooyada walaalo ka ahaa), si ay ciidama gurmad ah uga keenaan halkaasi.

Markii uu damcay Cali inuu Rabdah ka dhaqaaqo ayaa waxaa istaagay Ibnu Abii Rafaaca bin Raafic oo yiri:- Amiirkii Mu’miniintoow! maxaad dooneysaa? iyo halkee baad inoo waddaa?

Wuxuu yiri:- Waxa aanu dooneyno ee aanu niyooneyno waa islaax, haddii ay naga aqbalayaan oo ay naga yeellayaan.

Wuxuu yiri:- Haddii ayan yeelin islaaxuna?

Wuxuu yiri:- Waanu ka weecaneynaa inta ay naga tagayaan.

Wuxuu yiri:- Haddii ay na dayninna?

Wuxuu yiri: Waanu iska celineynaa.

Wuxuu markaasi Ibnu Abii Rafaaca yiri:- Haddaba waa sidaas.

Dabeeta Xajjaaj bin Qassiyah Al Ansaari baa istaagay oo yiri:- Waxaanu kuugu raalli gelin doonnaa ficil sidaanu hadal kuugu raalli gelinnay, Illaahay baana ku dhaartaye Illaahay wuu ii gargaari doonaa siduuba noogu magacaabay Ansaar (gargaarayaal). Dabeeta waxaa u timid koox banii Dhayi ah oo ku biirtay, qaar kalena hub bay u keeneen, Calina wuu soo dhaweeyay. Markii uu ka dhaqaaqay Rabdah asagoo fuushan hal casaan ah, baa wuxuu misna mar kale dhexda kula sii kulmay koox banii Asad ah iyo koox kaloo banii Dhayi ah. Kadib waxaa ka hor yimid nin reer Kuufa ah oo la oran jiray Caamir bin Madar Al Sheybaani. Markaasuu Cali weydiiyey xaalladda Kuufa, saa wuu uga warramay, dabeetana wuxuu wax ka weydiiyey Abii Muusa Al Ashcari, wuxuuna ku jawaabay:- Haddii aad dooneyso heshiis Abii Muusa ehel ayuu u yahay, haddiina aad dooneyso dagaal Abii Muusa ehel uma ahan. Markaasuu Cali yiri:- Wallaahi baanan dooneyn waxaanan heshiis ka ahayn.

Markii uu u dhawaaday magaalladii Kuufa baa waxaa soo gaaray warkii u dambeeyey ee Basra oo ah in Cuthmaan bin Xaniifa laga saaray Basra oo ay Dhalxa iyo Zubayr qabsadeen. Markaas buu Cali arrintaasi aad uga xumaaday.

Markii Cali uu gaaray Dii Qaar baa waxaa u yimid Cuthmaan bin Xaniifa oo wax tin ah aanay wejigiisa ku oollin, markaasuu ku yiri:- Amiirkii Mu’miniintoow! waxaad Basra ii dirtay anigoo gadh leh, imminkana waxaan kuu imid anigoo hoolan. Taas ka hor makastii markii ay Cuthmaan bin Xaniifa soo qabteen bay timihii gadhka ka rifeen, oo dabeeta Caa’isha markii loo geeyay ay iska daysay.

Cali wuxuu ugu jawaabay:- Waxaad asiibtay ajar iyo kheyr. Cali wuxuu degay goobta la yiraahda Dii Qaar asagoo jawaab ka sugaya dhanka Abii Muusa Al Ashcari oo horey uu ugu diray labo Maxammed,

Labo Maxamed markii ay u tegeen Abii Muusa Al Ashcari oo ay u bandhigeen, wixii ay ka rabeen ee Cali uu u soo diray oo ahayd inuu ciidamo ku daro, wuxuu u sheegay inaanay wax dagaal ah ka qeyb qaadaneyn, reer Kuufana wuxuu amray inaanay ka qayb qaadan arrinkaas, oo uu Abii Muusa ku macneeyey fidno qaraxday, wuxuuna reer Kuufa ka dalbaday inay noqdaan dadka kuwa ugu kheyr badan oo aanay waxba ka qayb qaadan fidnadaasi. Labo Maxamed aad bay ugu caroodeen Abii Muusa dabeetana waa ay baxeen oo Cali ugu tegeen goobtii Dii Qaar oo uga warrameen wixii ay Abii Muusa Al Ashcari kala soo kulmeen oo diidmo ahaa.

Markaas buu Cali soo diray Ashtar An Nukhaci oo ay Abii Muusa Al Ashcari si wanaagsan isu yaqaanneen, iyo Cabdillaahi bin Cabbaas si ay ciidama gurmad ah uga soo qaadaan. Markii ay Abii Muusa u tegeen, sidiiyoo kale ayay iyana wixii ay rabeen ka waayeen. Dabeeta waa ay laabteen oo Cali uga warrameen wixii ay kala soo kulmeen. Markaas buu Calina soo diray mar saddexaad wiilkiisii Xasan iyo Cammaar bin Yaasir, saa waxay u tegeen Abii Muusa oo dood dheeri dhex martay. Dabeeto Zayd bin Sowxaan baa istaagay oo dadkii ku booriyey in ay u gargaaraan Cali bin Abii Daalib, misna waxaa kaloo istaagay Al qacqaac bin Camr oo sanaaddiidii Kuufa akhyaartii saxaabada kamid ahaa, wuxuuna ku booriyey in la raaco amiirka Mu’miniinta ee Cali, wuxuuna sidoo kale ka dhawaajiyey in ummaddu amiir la’aan aanay ahaan karin, iyo in loo baahan yahay marjac howl waliba loo celin karo inuu jiro. Sidaa darteed buu Al qacqaac ku booriyey raacidda iyo u gargaaridda amiirka Mu’miinta ee Cali bin Abii Daalib. Xujr bin Caddiyi oo akhyaartii Kuufa kamid ahaa baa isaguna istaagay oo dadkii ku booriyey in la aado amiirka Mu’miniinta oo loo gargaaro, wuxuuna akhriyey aayadda 41aad ee suuradda Towbah. Dood iyo hadallo dheer kadib baa wuxuu Abii Muusa ku soo daray Xassan iyo Cammaar 9000 oo dagaalyahanno ah. Waxaa kaloo la sheegaa in Cali uu Abii Muusa casilay oo uu Kuufa masuul uga dhigay Ashtar oo sidaa kusoo diray ciidamadaasi. Waxaa kaloo la sheegaa inuu usoo diray 12001 dagaalyahanno ah. Wallaahu aclam.

Waxaa kamid ahaa raggii mashaahiirta ahaa ee Cali kaga yimid Kuufa Al qacqaac bin Camr, Sacad bin Maalik, Hindi bin Camr, Al Haytham bin Shihaab, Zayd bin Sowxaan, Caddiyi bin Xaatim, Musayb bin Najbah, Yaziid bin Qeys iyo Xujr bin Caddiyi iyo rag kaloo qeyrkooda ah. Dabadeed Cali wuxuu ka dhaqaaqay Dii Qaar. Reer Cabdi Qeys ayaa iyana ayagoo kumanaan kun ah Basra iyo Dii Qaar dhexdooda ku sugayay Cali ibnu Abii Daalib, si ay ugu biiraan. Kadib Cali wuxuu diray Al qacqaac bin Camr oo uu udiray dhanka Dalxa iyo Zubayr iyo Caa’isha si bal uu ula soo hadla una soo ogaada waxa ay u yimideen. Al qacqaac wuu dhaqaaqay, wuxuu ka billaabay oo marka hore uu u tegay hooyadii Mu’miniinta ee Caa’isha, wuxuuna ku yiri:- Hooyooy! maxaa halkaan ku keenay? Waxay ugu jawaabtay:- Maandhoow! waxaan u imid islaax inaan dhigo dadka dhexdiisa. Wuxuu ka codsaday inay ugu yeedho Dhalxa iyo Zubayr si ay agteeda u yimaadaan, waa way u cid dirtay oo iyana yimideen. Markaasuu ku yiri:- Hooyadii Mu’miniinta ayaan weydiiyey, waxay u timid, saa waxay tiri:- Inaan dadka dhexdooda islaaxiyo. Markaasay Dhalxa iyo Zubayrna yiraahdeen:- Annaguna sidaa oo kale baanu u nimid.

Wuxuu ku yiri:- Waxaad iiga warrantaan islaaxanna, wejiga uu leeyahay, iyo waxa aad islaaxineysaan?

Waxay yiraahdeen:- Kuwii dilay Cuthmaan (inaanu dilno) haddaynu ka tegnana, waa ka tegidda Qur’aanka.

Wuxuu yiri:- Waxaad disheen wixii ka dambeeyey dilka Cuthmaan, kuwoodii aad ka hesheen magaallada Basra, maanta ka hor ayaad dadka agtooda soo dhaweyn iyo maqaamna ku lahaydeen, waxaad disheen 600 oo nin, waxaana u carooday daraadood 6000, oo idinka fogaaday, kana dhex baxay dhexdiinna. Waxaad raadiseen Xurquus bin Zuhayr, saa waxaa idinka hor istaagay 6000 oo haddii aad iska daysaanna, waxaad ku dhacdeen wixii aad lahaydeen. Haddii aad la dagaallantaanna waxaa idinku dhacaya wixii aad ka digeyseen. Sidee buu idinkaga fakaday Xurquus bin Zuhayr?

Wuxuu kaloo Al qacqaac u tibaaxay sida ay Dhalxa iyo Zubayr ugu suuroobi karin inay la dagaallamaan 6000 kun oo ciidan oo kasoo horjeeda, ay cududdaar ugu haystaan inuu Calina cududdaar ugu haysto inuu ka tego inuu xadka waqtigaas ka oofiyo. Wuxuu kaloo usheegay Dhalxa iyo Zubayr iyo Caa’ishaba in khalqi badan oo reer Rabiica iyo Mudar ah ay isu aruursadeen inay iyagu la dagaallamaan, iyagoo u careysan dadkii ay Basra ku laayeen.

Marka bay hooyadii Mu’miniinta ee Caa’isha hadashay oo ku tiri Al qacqaac: Maxaad adigu ka leedahay? Wuxuuna Al qacqaac u tilmaamay in la doonaya arrinkani in la dejiyo, oo la midoobo, fidnaduna degto goballaduna hoggaansamaan, dabeeto si fudud hadhowta looga aargoosta fidnawadayaashii ka dambeeyey dilka Cuthmaan. Caa’isha fikraddaasi way u riyaaqday, wayna soo dhaweyeen ayada iyo Dhalxa iyo Zubayrba, waxayna Al qacqaac ka codsatay in Cali uu sidaasi ka dhaadhiciyo. Dabeeto Al qacqaac wuu baxay oo u tegay Cali oo u sheegay wixii soo dhexmaray asaga iyo Caa’isha iyo Dhalxa iyo Zubayr. Calina aad buu ugu farxay falkii uu Alqacqaac sameyey, wuuna u mahad celiyey. Caa’isha farriin bay usoo fartay ayadoo ogeysiineyso inaanay u iman wax aanan ka ahayn islaax iyo wanaaag doon.

Dabeetana Cali ciidamadisii ayuu ka dhex istaagay oo u khudbeeyey, wuxuuna xusay jaahilliyadii iyo tafaraaruqii jiray iyo shaqaaqadeedii, sidoo kalena wuxuu xusay Islaamka iyo sacaadadiisa iyo in Alle uu soo diray Nebi Muxammed SCW oo umaddana ku kulmiyey bacdigiisa khaliifadiisii Abuu Bakar, dabeetana Cumar, misna ku kulmiyey Cuthmaan, markaasoo ay yimideen dad adduunyo jecel oo nimcooyinka Alle addoomadiisa u galay xasdaya oo kala geeyey jamaacaddii, keenayna fidno iyo tafaraaruq iyo kala tegsanaan. Dabeeta wuxuu yiri:- Hoydaay! anigu beritoole waan raran doonaa ee yuunan i raacin qof wax ka geystay dilkii Cuthmaan.

Markaas bay isu tegeen qaar kamid ah madaxdii fidna wadayaashii ka dambeeyey dilkii Cuthmaan sida Ashtar An Nukhaci, Shureyx bin Owfaa, C/llaahi bin Sabaa (Ibnu Sowdaa), Saalim bin Thaclabah, Calbaa (ama Qilaab) bin Al Haytham iyo rag kaloo qeyrkooda ah, waxayna tiradoodu ahayd 2500 ku dhex jirtay ciidamada Cali. Waxay ka tashanayeen sidii arrini ay yeeli lahaayeen. Waxay isku yiraahdeen:- War ra’yigani muxuu ahaa? Wallaahay Cali baa uga ogaal badan kitaabka Alle kuwa dalbaya dhiigga Cuthmaan. Wuxuu yiri wixii aad maqasheen, berri ayayna dadku idiin kulmi doonaan, cidda ay qowmku oo idil rabaanna waa adinka, ee sidee baad ku tahiin adinkoo tiro yar, marka loo eego tira badnidooda?

Ashtar baa hadlay oo yiri: Dhab ahaan, waanu ogaannay ra’yiga Dhalxa iyo Zubayr sida uu dhexdayada ka yahay. Ra’yiga Cali-se ma aynan ogaan teer iyo maanta. Haddii ay xaaladdu sidaa noqoto, Cali waxaynu ka daba geyneynaa Cuthmaan, markaana dadku waa ay inaga aamusayaan, oo iska kaayo dayn doonaan.

Ibnu Sowdaa ayaa hadlay oo yiri:- Waxaa baas lahaaday waxaad ra’yi moodday, haddii aynu dilno waa la ina layn, ee annaga kulanka kuwii dilay Cuthmaanoow! waxaynu nahay 2500, Dhalxa iyo Zubayr ciidamadooduna waa 5000 oo wax awood ahi uma haysaan, iyana adinka uun bay idin doonayaan.

Qilaab (ama Culbaa) bin Haytham baa isaguna hadlay oo wuxuu tilmaamay inay goballada aadaan oo dagaalladan oo idil isaga baxaan, kuna dhuuntaan halkaasi, si ay ku nabad helaan.

Saa C/llaahi bin Saba (Ibnu Sowdaa) baa hadlay oo yiri:- Waxaa baas lahaaday waxa aad tiri, haddayba markaasi dhacaysaa in dadku ina kala dafaan.

Dabeeto Illaahay ha dulleeyo’e Ibnu Sowdaa wuxuu raggiisii u tilmaamay fikir ay uwada riyaaqeen, wuxuuna u sheegay inay kala galaan labada ciidan, ciidamada Cali iyo kuwa Dhalxa iyo Zubayr oo markaasi ay weerar ku kala qaadaan labada dhinac si ay dagaal u huriyaan oo labada qolo aanay u heshiin, si markaasi ay iyaga u badbaadaan, iyo si dabeeto loo illaawo falkii ay geysteen ee ahaa dilkii Cuthmaana, waana ay u hirgashay hadafkii ay wateen fidna wadayaashaasi, markii ay ra’yigii Ibnu Sowdaa meel mariyeen. Illaahay ha dulleeyo, dhammaan wixii ka dambeeyey dilkii amiirka Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan iyo wixii ka qeyb qaatayba.

Cali waa uu soo dhaqaaqay subaxii markii uu waagu baryay, wuxuunna soo abbaaray dhankii Kuufa asagoo doonaya inuu la kulmo Dhalxa iyo Zubayr iyo Caa’isha. Dhexda wuxuu kusoo maray reer Cabdi Qeys oo iyagu sugayay dabeetana ku biiray ciidamadiisii. Marba marka ka dambeysana way sii kordhayeen ciidamadii amiirka Mu’miniinta. Cali wuxuu sii degay Zaawiyah, oo misna ka dhaqaaqay oo aaday dhankii Basra. Saa markii ay labadii qolo kulmeen, wuxuu Cali taa ka hor Dhalxa iyo Zubayr u diray in la is magan geliyo oo wax weerar iyo dagaal ah la fulinin, iyana sidoo kale aad bay arrintaasi u soo dhaweyeen. Labadii qolo way isasoo hor degeen, markaa bayna qaar kamid ah ciidamadii Dhalxa iyo Zubayr kula taliyeen in ay ka faa’ideystaan fursaddaasi oo ay laayaan raggii fidna wadayaasha ahaa ee ka dambeeyey dilkii Cuthmaan kuwooda ku jira ciidanka Cali. Dhalxa iyo Zubayrse waxay tilmaameen in aanay arrintaasi habbooneeyn, maadaama ay ayaga iyo Cali kuwada heshiiyeen in arrintu nabad iyo heshiis lagu dhammeeyo.

Ciidamada Muslimiinta qolaba qolada kale ayay u tagayeen oo ergaduna la is dhaafsanayeen, waxaana qola kasta ay ku faraxsaneed midnimada iyo walaaltinnimada Islaamka, iyo in wax waliba si midnimo iyo wada hadal lagu dhammeeyo. Waxay u ahayd arrin ay dhammaan labada dhinacba ku faraxsanaayeen, marka laga reebo raggii fidnada waday ee iyagu ka dambeeyey dilka Cuthmaan bin Cafaan Illaahay haka raalli noqdee. Cali wuxuu dhanka Dhalxa iyo Zubayr u diray C/llaahi bin Cabbaas, iyana waxay u soo direen Maxamed bin Dhalxa bin Cubeydullaahi oo loo yaqaanay Maxamed As- Saajid. Ergadu sidaas ayay isu dhaafsaneyeen oo ay isu dhex galayeen. Habeenkii subaxiisa la doonayay in wada kulmo, Cali iyo asxaabtiisa, waxay u ahayd habeen farxadeed oo kheyr lagu baryay, dhanka Dhalxa iyo Zubayrna sidoo kale, habeen ay farxad iyo kheyr ku baryeen ayuu ahaa. Kuwiise fidnada waday ee dilkii Cuthmaan ka dambeeyey, wuxuu habeenkaasi u ahaa habeen madow iyo murugo, mana ay seexan ee waxay ka fikirayeen sidii ay wax yeeli lahaayeen, ayagoo markii horeba qorshe diyaarsaday. Kaasoo ahaa inay ku kala biiraan labada qolo oo weerar ay isku qaadaan, dabeetana ay sidaasi dagaal ku huriyaan. Cali ibnu Abii Daalib ciidamadiisii wuu la hadlay asagoo amraya inay af iyo addinba ka laabtaan walaalahooda reer Basra, iyana way u hoggaansameen amarradii amiirka Mu’miniinta. Taas ka hor Axnaf bin Qeys baa Cali u yimid oo u keenay 10 000 oo seefood.

Markii uu bidhaamay kaahii arooryaad, ayay fidna wadayaashii labadii ciidan ku kala biireen, oo weerarro qaadeen, ciidamadii reer Basra arrintaasi markay ka war heleen oo ay weydiiyeen, waxaa loo sheegay in ciidamada Cali ay soo weerareen. Kuwii Calina markii ay buuqa iyo sawaxanka la yaabeen oo ay weydiiyeen, waxaa loo sheegay in ciidamadii Basra ay soo weerareen. Markaas baa labada dhinac hubkii loo kala orday oo seefta laysla dhacay, waramaduna layska dhex dusiyey, gamuunnaduna laysla helay, dagaalkiina wuu huray oo dirirtiina darnaatay labada qolo, ayadoo fidna wadayaashuna ay ka soo horjeedeen inuu inyarna istaago dagaalka, si aanan loo ogaan, iyaga ayaana hurinayay dagaalka labada dhinacba. Gacmo iyo lugo badan ayaa faniinay, mashaahiirtii geesiyada ahayd ayaa isu ban baxay oo seefaha is daray, garaangirtii dagaalkuna waa ay wareegatay. Majirin horeyna looma arag macrikadani macrika kaga gacan iyo lug faniin badan, waayo gacmo badan iyo lugo badan baa dharaartaasi go’ay. Taasina waxay ahayd arrin uu Allaha Qaadirka ahi qadaray oo uu horey u xukmiyey. Fa innaa lillaahi, wa innaa illeyhi raajicuun.

Cali bin Abii Daalib, wuu dhawaaqayay asagoo lahaa:- War hoydaay! joojiya, war hoydaay! joojiy. Cidse majirin dheg jalaq u siineysay hadalladiisa. Kacab bin Suur oo ahaa qaadigii magaallada Basra markii uu masuulka ka ahaa Cuthmaan bin Xaniifa ayaa u tegay hooyadii Mu’miniinta oo ka dalbaday inay umadda u soo baxdo, si ay ula hadasho oo Alle dagaalka sabab uga dhigo inuu joogsado. Markaas bay soo baxday oo howdajkeedii ay dhex gashay, dabeetana awrkeedii loo dul saaray. Markaas bay saaxadii dagaalka soo gashay, ayadoo marba dhinac istaageyso, meelahii uu dagaalka kasocday, oo dadka amreyso inay dagaalku joojiyaan, saa ma jirin cid dheg jalaq usiiso.

Qaar kamid ah mashaahiirtii caanka iyo geesiyaashii labada dhinac ayaa mubaaraso ku kulmay, waxaana kamid ahaa dadkii mubaarasada ku kulmay Zubayr oo halyey geesi ahaa iyo Cammaar bin Yaasir oo waaga 90 jir ahaa. Zubayr ma uuna jecleysan inuu Cammaar dilo, markaasuu arkay Cammaar oo seeftiisii ka wiligsiinaya una jeeda dhanka Zubayr. Markaasi buu Zubayr yiri:- Ma waxaad dooneysaa inaad i disho Abal Yaqdaanoow!? Wuxuu Camaar ku jawaabay:- Maya Abuu Cabdullaahiyoow!.

Zubayr wuxuu horey u maqlay Rasuulka Alle SCW oo Cammaar ku oranaya:- Waxaa ku dili doonto koox xad gudubtay. Sidaa daraaddeed buuna Zubayr jecleysan inuu Cammaar dilo, sidoo kalena asbaabahii dagaalka Zubayr ka saaray ayay arrintaasi xubin ka ahayd. Waayo Zubayr wuxuu ka cabsi qabay in dagaalkaasi lagu dilo Cammaar oo oday da’ ahaa, oo markaasina ay dhacda in qoladii Zubayr ay noqdaan koox xad gudubtay siduu Rasuulka SCW horey u sheegay.

Sidoo kale dagaalkii oo meel aad u kulul maraya, ayuu Cali Zubayr la hadlay oo weydiiyey:- Zubayroow! ma xasuustaa, maalintii uu Rasuulka SCW kugu lahaa ma jeceshahay Cali? ee aad tiri:- Maxaan u jeclaan waayay ina abtigeey iyo ina adeerkeey, oo misna ku sugan diintayda? Oo markaasi uu kugu yiri:- Waad la dagaallami doontaa adigoo ka gardaran?

Wuxuu Zubayr ku jawaabay:- Haa! Illaahay baan ku dhaartaye, waan illaaway markii aan Rasuulka SCW ka maqlayba, haddii aan xasuusan lahaana kulama aan dagaallameen.

Kadib Zubayr dagaalkii buu ka baxay, wuxuuna xoreeyay wiil adeega u ahaa oo la oran jiray Makxuush waxaa kaloo la sheegaa inuu xoreeyay adeegahiisii Jarsuus. Dabeetana wuu ka baxay dagaalka oo aaday waadi la yiraahda Waadi Subaac, oo halkaasi uu ku dilay asagoo jiifa ama tukanaya mid inkaar qabe ah oo il kheyr ma saare ah oo fidna wada ah oo la oran jiray Camr bin Jarmuus. Kaasoo Cali inta u tegay ugu warramay inuu Zubayr soo dilay, asagoo taasi ku filanayay inuu Cali agtiisa soo dhaweyn kaga heli doono, balse Cali wuu iska eryay wuxuuna ugu bishaareeyey Naarta, waayo Rasuulka SCW ayaa horey u yiri:- Ugu bishaaree Naarta ninkii dila ina Safiya (Zubayr). Dhalxana gamuun habow ah baa haleelay oo dagaalka dhexdiisa ayuu ku shahiiday Illaahay haka raalli noqdee. Waxaana la sheegaa in gamuunkaasi uu ganay Marwaan bin Xakam. Wallaahu aclam.

Dagaalku marna wuu qaboobayay, marna wuu kacayay, markaas bay hooyadii Mu’miniinta ee Caa’isha u dhiibtay Kacab bin Suur, musxafka oo ka codsaday inuu dadka ugu yeero, si ay dagaalka u joojiyaan. Markaas buu Kacab bin Suur la aaday musxafkii dhanka ciidamada muqaddamada ee Cali oo uu markaasi ku jiray C/llaahi bin Saba, saa gamuunna ayay ku hoobiyeen jeer ay ka tallaabsadeen oo ay dileen. Dagaalkiina sidii buu usii socday, gamuunnaduna way ku dhacayeen huudajkii hooyadii Mu’miniinta ay ku dhex jirtay. Waxay ku dhawaaqeysay:- Allaah Allaah! wiilasheydoow! xasuusta maalinta Qayaamaha. Markaas bay gacmaheedii sare u qaadday oo Alle bariday ayadoo habaareyso kuwii ka dambeeyey dilka Cuthmaan ee misna fitantani huriyey. Markii uu Cali maqlay inkaarta iyo habaarka Caa’isha ayaa asaguna wuxuu yiri:- Allahayoow! lacnaddaada dul yeel, wixii dilay Cuthmaan. Dagaalkii markuu sii huraya, ayuu Cali wiilkiisii Maxamed bin Xanafiyah amray inuu calanka qaado oo horay ula socda, saa asaguna wuu ku dhici waayay, kadibna Cali baa ka qaaday calankii ciidamada.

Awrkii ay fuushaneed hooyadii Mu’miniinta ee Caa’isha Illaahay haka raalli noqdee, waxaa hoggaankiisii ku naf waayay 70 qofood oo isaga kala dambeysay. Waxaa kaloo la sheegaa in 70 kalena ay ku gacmo waayeen. Waxaana la sheegaa in 70-ka ku gacma weyday ay ahaayeen banii Dibbah. Sidoo kale waxaa maalintaasi hoggaanka awrka qabtay banii Naajiyah oo ka ag dagaallamayay hooyada Mu’miniinta agteeda, iyo banii Caddiyi bin Cabdimanaaf.

Dadkii hoggaanka awrka qabtay waxaa kamid ahaa Maxamed bin Dhalxa bin Cubaydillaah, oo ku yiri hooyadii Mu’miniinta:- Hooyooy! i amar wixii aad i amreyso? Waxay ku tiri:- Wiilkeygoow! noqo sida midkii kheyr badnaa wiilashii Aadam (sidii Haabil oo kale). Saa asagoo hoggaankii haya ayaa lagu dilay Illaahay ha u naxariistee.

C/llaahi bin Zubayrna wuxuu kamid ahaa raggii hoggaanka awrka qabtay, balse kuma uu dhiman dagaalkan, waxayna mubaaraso isku heleen, Ashtar An Nukhaci oo halyeey dagaalyahan ahaa, da’ ahaanna ka weynaa Ibnu Zubayr. Saa markii ay is heleen, baa C/llaahi dhaawac culusi madaxa lagu dhuftay, isaguna wuxuu Ashtar ku dhuftay dhaawac fudud. Dabeetana waa ay kala bad baadeen. C/llaahi bin Zubayr waxaa maalintaasi soo gaaray 37 dhaawac. Sidoo kale Marwaanna dhaawacyo badan ayaa asaguna soo gaaray.

Cammaar oo waaga 90 jir ahaa, wuxuu mubaariso ku dilay nin saddex nin oo ciidamadii Cali kamid ahaa mubaariso ku dilay, waxaana ninkaasi la oran jiray Camr ama Cumeer bin Yathribi. Sidoo kale waxaa kamid ahaa raggii hoggaanka awrka qabtay Camr bin Al Ashraf, saa ciddii kusoo dhawaataba uu seefta ku hoolaa, illaa markii dambe uu u soo baxay Al Xaarith bin Zuhayr Al Asdi, oo markaasi labaduba ay labada darba is dhaafsadeen, oo mid walbaba midka kale uu sidaa ku dilay.

Dabeeto awrkii ayaa la boqno jaray, waxaana ugu dambeeyey oo markaasi hoggaankiisa hayay Zifir bin Al Xaarith. Waxaa la sheegaa in asaga iyo Bujayr bin Daljah ay isku raaceen in awrka la boqno jaro, si dagaalku u qaboobo. Sidoo kale Al qacqaac bin Camr ayaa la sheegaa inuu arrinkaasi soo jeediyay, si hooyada Mu’miniinta oo markaasi huudajkeedu gamuunnada kudul dhacayeen aanay waxba u gaarin oo dagaalka loo joojiyo. Sidoo kale waxaa la sheegaa inuu Cali amray ama ishaaray arrinkaasi. Illaahana og. Markaasi buu dagaalkii istaagay, oo huudajkiina awrka laga soo dul dejiyey. Dabeeta Maxamed bin Abii Bakar ayaa u tegay Caa’isha oo salaamay, dabeetana, weydiiyey inay wax dhiba ku dhaceen. Iyana waxay usheegtay inaanay waxba dhiba ku dhicin. Cammaar Ibnu Yaasir iyo rag kale oo badan ayaa iyana u tegey oo soo salaamay, Sidoo kale Cali ayaa u tegay oo soo salaamay, wuxuuna weydiiyey:- Sidee baad tahay hooyo!

Waxay ugu jawaabtay:- Waa kheyr.

Wuxuu ku yiri:- Ilaahay ha kuu dembi dhaafo.

Habeenkii markii la gaaray, hooyadii Mu’miniinta waxay gashay magaalladii Basra ayadoo uu la socda Maxamed bin Abii Bakar. Waxayna ku dul degtay daarta Cabdillaahi bin Khalaf Al Khuzaaci, waxayna daartaasi ahayd daarta ugu weyn Basra. Waxay ku dul degtay Safiyah bint Xaarith bin Abii Dhalxa bin Cabdilcuzza bin Cuthmaan bin Cabdi Daar oo loo yaqaannay Umu Dhalxa.

Dhaawacyadii dagaalkuna waala qaaday, oo waxaa la geeyay magaalladii Basra, wuxuuna Cali amray in hantidii dagaalka laga helay oo idil la isu soo aruuriyo dabeetana la geeyo masjidka, si ciddii garata alaab ay leedahay ama ay ehelladooda leeyahiin ay hadhowto ugu geeyaan ama u qaataan. Wuxuuna ka reebay oo kaliya hubkii uu meeshaasi ka helay. Qaar kamid ah ciidamadiisii ayaa Cali ku eedeeyey in uusan qafaalan wax dumar ah, iyo inuusan qaniima helin. Wuxuuna Cali raggaasi ku qanciyey su’aal wada aamusiisay oo ku ridday afkii baa juuqda gabay. Wuxuu ku yiri:- Kiinnee baa raalli ku ah, inuu saami u helo hooyadii Mu’miniinta? Illaahay baan ku dhaartaye waa afadii Rasuulkiinna SCW ee adduun iyo aakhiraba.

Waxaa dagaalkani ku geeriyooday 10 000 oo labada dhinac ah, dhanka Cali waxaa laga dilay 5000, dhanka Caa’ishana 5000 Fa’ innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun.

Cali wuxuu kusugnaa goobtii dagaalka muddo saddex casho ah, markiina uu dagaalka istaagay wuxuu dhex qaadayay meydka oo markii uu arko qof uu garta dul istaagayay, oo u raxmad dalbayay. Dhammaanna wuu u raxmad dalbay oo inta isu soo aruuriyey ku tukaday salaaddii Janaasada. Asagoo dhex maraya meydka ayuu Cali arkay maydka Dhalxa bin Cubaydillaah, markaasuu ooyay oo si aad ah u murugooday, wuxuuna ku cataabay:- Shallaytadeydee Xassanoow! aabaha muxuu u dhimman waayay 20 sano ka hor maalintan? Sidoo kale Cali markii uu arkay Maxamed As- Saajid bin Dhalxa oo mayd ahina aad buu u murugooday oo ugu ooyay Illaahay haka raalli noqdo idilkooduba.

Waqtigaasi uu dagaalku dhacay wuxuu ahaa bartamihii Jamaadul Aakhir, markaas ayuu Cali galay magaalladii Basra maalin Isniin ah. oo uu la mubaayacooday dadkii magaallada. Dabeetana maal badan u qeybiyey asagoo ka nafaqeeyey beytul maalkii Muslimiinta. Wuxuu la kulmay Cabdiraxmaan bin Abii Bakrah- Nufeec bin Xaarith Al Thaqafi oo uu la mubaayacooday, dabeetana weydiiyey aabahiis Abii Bakrah? Saa wuxuu u sheegay inuu xanuunsanyahay. Markaasuu soo hor kacay, oo uu dul geeyey. Markaasuu Cali salaamay, saa wuu soo dhaweeyey una cududaartay inuu u iman waayay. Wuxuu Cali u bandhigay inuu udhiibo masuuliyadda magaallada Basra, balse wuu ka cududaartay arrinkaasi, wuxuuna u soo jeediyey inuu u dhiibo C/llaahi bin Cabbaas. Markaasuu Cali masuul uga dhigay C/llaahi magaalladii Basra. Wuxuuna ku dhaafay oo uu u xilsaaray baytul maalkana Ziyaad bin Abiihi oo aanan ka qayb qaadan dagaalkii dhacay.

Kadib Cali ayaa waxaa usoo galay nin, wuxuuna usheegay in albaabku ay joogaan laba nin oo wax ka sheegeysa Caa’isha. Markaas buu Cali soo diray Al qacqaac bin Camr si uu u edbiyo nimankaasi oo amray inuu jeedaleeyo oo ku dhufto midkiiba 100 jeedal. Sidii buuna Al qacqaac kufalay raggaasi.

Cali waa uu booqan jiray hooyadii Mu’miniinta ee Caa’isha intii ay joogtay Basra, asagoo ugu tegi jiray gurigii daarta C/llaahi bin Khalaf. Markii ay damacday inay baxdo oo ay aaddo Makka, wuxuu Cali u keenay, wax waliba oo ay safarkeeda ugu baahantahay, sida saad iyo hanti iyo gaadiidba. Wuxuuna ku daray walaalkeed Maxamed bin Abii Bakar. Asagiina wuu raacay oo dhowr mayl la sii socday oo sii sagootiyey, dabeetana ka soo laabtay.

Marwaan bin Xakam asagu waxaa magan geliyey Maalik bin Masmac oo uu daartiisa ku sugnaa, dabeetana Caa’isha markay Makka aadday, buu asaguna Shaam aaday.

Wilaayadii Qeys Bin Sacad ee Masar

Sanadkan 36aad buu Cali si dhan u dhiibay masuuliyadda Masar Qeys bin Sacad bin Cubaada Al Ansaari, halkaasoo waqtigii Cuthmaan uu madax ka ahaa C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax oo loo dhiibay kadib markii horey looga casilay Camr bin Al Caas. Markaa waata fidna wadayaasha kasoo baxeen Masar oo ay aadeen Cuthmaan xaggiisa si ay u dilaan, iyadoo labadii nin ee diyaarisayna ay ahaayeen C/llaahi ibnu Saba oo Yahuudi Yeman ka yimid ahaa kuna caan ahaa Ibnu Sowdaa iyo Muxammed bin Abii Xudayfa bin Cutbah. Muxammadkaa isaga ahi wuxuu aabahiis Abuu Xudayfa bin Cutbah ku shahiiday dagaalkii Yamaama lagu qaaday sanadkii 12aad ee Hijriga waqtigii Abuu Bakar Sidiiq, markaa iyada ahna Muxammed wuxuu ahaa kuray yar, Sidaa darteed buu Cuthmaan kafaala qaaday oo gurigiisa kusoo barbaariyey barbaarin wanaagsan, wuxuuna u ahaa mid u dhimriyo oo u wanaagsan.

Intaa dabadeed Muxammed wuxuu u tegay Cuthmaan markii xilka khilaafada uu qabtay oo ka dalbaday inuu masuuliyad udhiibo, Cuthmaanna kamuu yeelin, markaa buu carooday Muxammed wuxuuna ka dalbaday inuu u diro furunta jihaadka, markaasuu Cuthmaan u diray Masar. Duullaankii Daatu Suwaar ee dhacay waqtigii Cuthmaan bin Cafaan buu Muxammed kala qayb qaatay amiirkii ciidamadaasi hoggaaminayay oo ahaa C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax, markaa iyada ah markii laga faaruqay dagaalkaas buuna billaabay Muxammed inuu Cuthmaan eedeymo dusha uga tuuro, taasoo ay kamid ahayd inuu C/llaahi ibnu Sacad masuul uga dhigay Masar iyo waqooyiga Afrika, isagoo ninkaas C/llaahi bin Sacadna uu intuu Islaamay misna riddoobay xayaatadii Rasuulka SCW oo misna Islaamay furashadii Maka. Waa sidaase waxaa Muxammed bin Abuu Xudeyfa ku garab istaagay arrinkaas rafiiqiisii Muxammed bin Abii Bakar oo isaguna ciidamadaasi lasocday.

Markii ay fidna wadayaashii Masar ka baxday aadeen Madiina si ay amiirka Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan usoo dilaan, Muxammed bin Abuu Xudayfa ma uu raacin ee Masar buu ku haray, C/llaahi ibnu Sacad bin Abii Saraxna wuxuu ku mashquulay oo u batay waqooyiga Afrika. Sidaa darteed bay Masar noqotay masuul la’aan oo Muxammed bin Abuu Xudayfa gacanta ugu dhigay oo awood ku yeeshay. C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax waxaa gaadhay geeridii amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan iyo in Cali bin Abii Daalib uu Masar usoo dirsaday Qeys bin Sacad masuul ahaan, markaa buu C/llaahi bin Sacad aaday Shaam oo u tegay Mucaawiyah bin Abii Sufyaan.

Qeys bin Sacad wuxuu galay Masar iyadoo Muxammed bin Abii Xudayfa la dilay oo markaa inta mimbarkii masjidka koray dadkii ku dul akhriyay warqaddii Cali bin Abii Daalib, baycadiina kaga qaaday oo sidaa kula mubaayacoodeen reer Masar in yar mooyaane oo aanan la mubaayacoon, kuwaasoo aanan cidi waxba yeeleyn, waxayna ku andacoonayeen kuwaasi in xadka laga oofiyo raggii dilay Cuthmaan bin Cafaan.

Guud ahaan Masar oo idil baa la mubaayacootay Qeys oo uu Cali baycada uga qaaday, marka laga reebo qaryo la oran jiray Kharbataa oo ay ku sugnaayeen rag u olalaynayey dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan waxayna ahaayeen odayaashii reer Masar iyo howradeennadii dadkaas. Waxayna wateen ciidan dhan 10 000 oo Cuthmaaniyiin ah (yacni Cuthmaan bin Cafaan kuwii u olaleynayay inay u aar gudaan). Waxaana madax u ahaa nin la oran jiray Yaziid bin Al Xaarith Al Mudlaji.

Qeys warqad buu u qoray si ay iyana raggaasi ula mubaayacoodaan Cali bin Abii Daalib, hase ahaatee markuu ku daallay oo jawaab ka la’yahay buu isaga aamusay. Mucaawiyah bin Abii Sufyaanna markaa iyada ah waxaa xukunkiisa hoos imanayay Guud ahaan Shaam illaa daanta shisha ee dhulka Ruum, sidoo kale waxaa hoos imanayay qaar kamid ah Jaziiradda oo ay kamid yahiin Ruhaa, Qiisaariyah, iyo Xaaraan iyo qeyrkooda.

Ashtar An Nukhaci oo dhanka Cali kasocday baa damcay inuu dhulalkaa ka qaado gacanta masuuliyiinta Mucaawiyah bin Abii Sufyaan u joogta halkaas. Markaa buu Mucaawiya markuu arrintaa ka war helay u diray C/raxmaan bin Khaalid bin Waliid, markaasuu Ashtarna dib ugu laabtay dhulkiisii. Markii dhulalkaas oo idil Mucaawiya hoos yimaadeen oo xukunkiisii intaa gaaray buu warqad u diray Qeys bin Sacad isagoo ka dalbanaya inuu u istaaga raadinta dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan, wuxuu sidoo kale u sheegay haddii uu Qeys arrintaa yeelo inuu u dhiibi doono masuuliyadda Ciraaq oo idil oo uu masuul uga noqon doono. Qeys bin Sacad oo runtii ahaa nin ad adag oo misna leh go’aan adag baa markii warkaa Mucaawiya uu soo gaaray udiray warqad kale oo jawaab ah oo maqashiiyey wax uu kahdo.

Cali bin Abii Daalib markuu gaaray warka ah in Qeys iyo Mucaawiyah is dhaafsanayaan warqado baa wuxuu Qeys u diray warqad uu ku amrayo inuu ku duulo kuwa Masar kusugan ee diiday baycada, markaasuu Qeys ka cududaartay arrintaa sabab darteed uuna haysan ciidan culus iyo iyadoo ragga kasoo horjeeda ay ahaayeen wajuuhdii reer Masar iyo rag karmeedyadii dhulkaas.

Markaa baala sheegaa inuu Cali ka casilay Masar oo u dhiibay Ashtar An Nukhaci, waxaa kaloo la sheegaa oo ah sida saxda ah in Cali uu udhiibay masuuliyadda Masar markii uu Qeys ka casilay Muxamed bin Abii Bakar oo wiil dhalinyaro ahaa, Qeysna wuxuu aaday markaa Madiina, oo markii uu Madiina tegay baa waxay is raaceen Sahal bin Xaniif oo ay aadeen dhankii Cali iyo Kuufa. Waxayna kala qayb qaateen dagaalkii Safiin sida inoo iman doonto oo ay goob joog ahaayeen isaga iyo Sahalba. Muxammed bin Abii Bakarna Masar buu tegay oo xukunkii qabtay oo halkaa buu masuul ka ahaa jeer uu dhacay dagaalkii Safiin

Dagaalkii Safiin

Al imaam Axmad wuxuu Maxamed bin Siiriin kasoo weriyey inuu yiri:- Fidnadu waxay dhacday iyadoo saxaabadii Rasuulku SCW ay yahiin 10 000, qayaastii, mana xaadirin wax dhan boqol bal ee xitaa 30 ma ay xaadirin”. Wallaahu aclam.

Markii uu amiirkii Mu’miniinta ee Cali bin Abii Daalib uu ka faaruqay dhacdadii Jamal oo uu galay magaalladii Basra dabadeedna hooyadii Mu’miniinta ee Caa’isha uu u diray Makka, baa wuxuu go’aansaday inuu Basra ka dhaqaaqo oo aado magaallada Kuufa.

C/Raxmaan bin Cubayd wuxuu yiri:- Wuxuu galay magaallada Kuufa maalin Isniin ah 12-kii bisha Rajab ee sanadkan yacnii sanadkii 36aad ee Hijriga. Wuxuu galay jaamacii Kuufa oo dadkii ku tujiyey laba rakcadood oo dabeeta u khudbeeyay kuna booriyey kheyrka iyo sama falka iyo ka fogaanshaha xumaha. Kadibna wuxuu u cid diray Jariir bin C/llaahi Al Bujali oo masuul ka ahaa Hamdaan waqtigii Cuthmaan bin Cafaan iyo Ashcath bin Qeys oo isaguna Cuthmaan masuul uga ahaa Aderbijaan si dadka halkaa kusugan baycada uga soo qaadaan.

Markaasuu Cali damcay inuu Mucaawiya cid baycada uga sooqaaddo u diro, saa Jariir bin C/llaahi Al Bujali baa ku yiri:- Aniga ii dir anigaa aadayo xaggiisa amiirkii Mu’miniintoow! waayo aniga iyo isaga waxaa ina dhex taal gacaltooyo oo aniga ayaa kaaga soo qaadayo baycada? Ashtar An Nukhaci baa markaa yiri:- Ha u dirin amiirkii Mu’miniintoow! waayo aniga waxaan ka cabsi qabaa in hawadiisu ay raacda isaga (Mucaawiya).

Cali bin Abii Daalib wuxuu Ashtar ka dalbaday inuu iska daayo, markaasuu u diray Jariir dhankii Mucaawiyah isagoo horayna ugu sii dhiibay warqad uu ku ogeysiinayo in Muhaajiriin iyo Ansaarba ay la mubaayacoodeen iyo weliba uu ku ogeysiinayo wixii dhacay maalintii dhacdada Jamal. Markaasuu Jariir dhaqaaqay oo u tegay Mucaawiyah oo warqaddii udhiibay. Markiina warqaddii uu Mucaawiya qaaday buu u yeeray Camr bin Al Caas iyo madaxdii Shaam oo idil si uu ugala tashado arrinkaas. Markaas baa Camr ibnu Al Caas iyo raggii madaxda Shaam ahaa ay ku taliyeen in uusan Cali lamubaayacoon jeer uu marka hore laayo fidna wadayaashii dilay Cuthmaan bin Cafaan, go’aankaas buuna Mucaawiya qaatay.

Markaa buu jariirna aaday dhankii Cali oo inta u tegay uga warramay wixii uu kala soo kulmay. Ashtar An Nukhaci baa markaa yiri:- Amiirkii Mu’miniintoow! mawaanan kaa reebin inaad Jariir dirta? Haddii aad aniga ii diri lahayd albaab kastoo uu Mucaawiya furo waan xiri lahaa. Markaas baa hadal dhex maray Jariir iyo Ashtar dabeetana Jariir wuu isaga tegay oo aaday Qirqiisiyaa oo degay, kadibna Mucaawiya buu warqad u diray oo wixii dhex maray isaga iyo Ashtar uga warramay markaasuu Mucaawiyana u diray warqad uu kaga dalbanayo inuu u tego oo Shaam la dego.

Amiirkii Mu’miniinta ee Cali bin Abii Daalib markaa buu go’aansaday inuu Shaam aado oo ka dhaqaaqay Kuufa, wuxuuna ciidamadiisii dejiyey Nukheylah, magaaladii Kuufana wuxuu ku dhaafay Abuu Mascuud Cuqbah bin Camir Al Badriyu. Mucaawiyana waxaa gaartay in Cali uu naf ahaantiisa iyo ciidan culus oo uu hoggaaminaya ay kasoo baxeen Ciraaq, markaa buu raggiisii la tashaday oo iyana u tilmaameen inuu naf ahaantiisa dhaqaaqo oo ciidan culus kaxaysto. markaa bayna reer Shaam diyaar garoobeen. Camr bin Al Caas buu ahaa ninkii reer Shaam ku boorinayay bixidda iyo diyaar garowga. Markaa bay is diyaariyeen oo soo dhaqaaqeen oo abbaareen halkii ciidamada hore ee Cali oo ah dhanka webiga Furaat naaxiyada Safiin. Cali iyo ciidamadiisiina Nukheyla bay kasoo dhaqaaqeen oo soo aadeen dhanka Shaam.

Wuxuu Cali hortiisa ku diray wardoon uu hoggaaminayo Ziyaad bin Nadar Al Xaarithi, waxayna ahaayeen wardoonkaasi 8 000, misna wuxuu kaloo kadaba diray Shureyx bin Hannaayi oo isaguna hoggaaminaya 4 000 . Waxay qaadeen jidka Cali hortiisa oonan ahayn jidka uu kusocday, markay gaareen Dajlah bay labo muqaddama noqdeen.

Markaas baa waxaa soo gaaray in Mucaawiyah uu kusoo baxay xaggooda, say ka cabsadeen inay is helaan ciidanka Mucaawiya iyagoo tira ahaan aanan u dhigmeyn, markaasay jidkii badasheen oo ka goosheen Hayt oo Cali oo dhaafay ka daba tageen. Markuu Cali arrintaa arkay wuxuu yiri:- Ma muqaddamadeydii (yacnii ciidankeygii hore) miyaa gadaashayda ka yimid? Markaasay u cududaarteen oo uga sheekeeyeen wixii qabsaday, suu isaguna u cududaaray, kadibna hor mariyey oo ka dhigtay muqaddamadisiii waana ay socdeen. Markii ay gooyeen webiga Furaat, baa waxay la kulmeen muqaddamadii Mucaawiyah bin Abii Sufyaan oo uu hoggaaminayo Abul Acwar Camr bin Sufyaan Al Sulami. Markaasuu Ziyaad bin Nadar oo hoggaaminayay muqaddamada Cali ugu yeeray Abul Acwar iyo raggiisa inay la mubaayacoodaan Cali, hase ahaatee way diideen, markaa buu Ziyaad bin Nadar arrintaa u qoray Cali bin Abii Daalib oo soo daba socday. Markaasuu Calina soo diray Ashtar An Nukhaci si uu ciidamada Ziyaad madaxa ugu noqdo, ciidamadaasi kuwooda midigtana, wuxuu soo amray inuu Ziyaad bin Nadar madax u ahaado, halka kuwa bidixdana uu soo amray in uu madax unoqdo Shureyx bin Hannaayi. Wuxuu soo amray Cali inaanay ku billaabin ciidamadiisa wax dagaal ah ciidamada Shaam jeer ay ayaga marka hore ku billaabaan oo ka dalbaday inay u sabraan inta uu uga imanayo isagoo ku raadjoogo socodkooda. Muqaddamadii Shaam iyo kuwii Ciraaq markaa iyada way is hor fariisteen oo cidi cid kale kuma aanay duulin, jeer markii dambe uu Abul Acwar weerar ku qaaday ciidamadii muqaddamada ee Ashtar uu sitay. Ashtar-se isagu wuxuu ku amarqaatay amaradii uu amiirka Mu’miniinta soo siiyey oo kusugnaaday isagoonan wax weerar qaadin. Muddo bay haddana is hor fadhiyeen, markaa bay reer Shaam dib u gaddoomeen markii gabbalku dhici rabo.

Markii uu waagii xigay baryay bay misna mar kale isa soo hor degeen labbadii muqaddama oo is hor fariisteen, in muddo ah bayna is hor fadhiyeen, markaa buu Ashtar weerar fudud ku qaaday ciidamadii Abul Acwar oo ka dilay C/llaahi bin Al Mundir At- Tanuukhi oo kamid ahaa fardooleyda reer Shaam, waxaana dilay nin katirsanaa ciidamada Ashtar oo la oran jiray Dibyaan bin Cammaarah At- Tamiimi. Markaa iyada ah bayna Abul Acwar As- Sulami iyo raggiisii weerar culus soo qaadeen, markaasuu Ashtar ka dalbaday Abul Acwar inuu mubaariso ahaan usoo ban baxo, hase ahaatee Abul Acwar arrinkaa ma uu yeelin. Waxaa kala dhex galay labada qolo gudcurkii habeenka oo way kala hoydeen iyadoonay wax buuran oo dagaal ah dhex marin. Markii la gaaray subaxii saddexaad baa waxaa yimid Cali bin Abii Daalib iyo ciidamadiisii guud, sidoo kale waxaa yimidi Mucaawiyah iyo ciidamadiisii guud.

Waxay labada qolo isku heleen goob la yiraahdo Safiin, ammintuna waxay ahayd horraantii bishii Dil Xajjah ee sanadkan. Ciidamadii Mucaawiyah ayaa kusoo hormaray goobta oo ay usuuro gashay inay qabsadaan goobtii biyaha oo meel istaraatiiji ah ku tiillay. Cali iyo ciidamadiisii markay yimideen waxay degeen meel ka durugsan biyaha, sidaa darteed baa ciidamadii Cali oon darani qabtay oo damceen inay kasoo cabbaan goobta biyaha. Mucaawiyana wuxuu uwakiishay biyaha Abul Acwar As- Sulami, wuxuuna Abul Acwar watay xayn fardooley ah. Markiina ay damceen Ciraaqiyiintii inay biyaha soo cabbaan baa waxaa udiiday ciidamadii Shaam, markaasay Cali u tegeen iyagoo oon daran kaga andacoonaya. Markaa buu Cali dhankii Mucaawiyah u diray Sacsacata bin Sowxaan si uu Mucaawiya ugu ogallaada ciidamada Cali inay biyaha cabbaan. Sacsacata bin Sowxaan wuxuu u tegay Mucaawiya oo uu garab fadhiyo Camr bin Al Caas una sheegay wixii uu Cali usoo faray, markaasuu Mucaawiya u yeeray raggiisii oo la tashaday. Camr bin Al Caas wuxuu tilmaamay in biyaha lawada cabbo oo la wadaago. Al Waliid bin Cuqbah bin Abii Mucayd isagu wuxuu tilmaamay in loo diido biyaha oo aanan la siin, sidii fidnawadayaasha ciidamada Cali kujiro ay Cuthmaan ugu diideen biyaha, si buu yiri ay u dhandhamiyaan wixii oon ahaa ee ay Cufhmaan dhandhansiiyeen. C/llaahi ibnu Sacad bin Abii Sarax wuxuu soo jeediyey in biyaha loo diido ciidamada Cali illaa maalintaa uu gabbalku ka dhacayo oo habeenka laga gaarayo, sababtuna wuxuu yiri:- Waxay udhawdahay inay dhulalkoodii ku laabtaan. Markaa buu Mucaawiyah aamusay isagoonan wax jawaab bixinin go’aanna aanan qaadan. Markaa buu Sacsacah bin Sowxaan weydiiyey:- Waa maxay jawaabtaada? Wuxuuna yiri:- Ra’yigeygu wuu idiin iman doonaa arrinkan kadib.

Markaa buu Sacsacah laabtay oo amiirkii Mu’miniinta ee Cali Ibnu Abii Daalib uga warramay wixii uu kala soo kulmay Mucaawiya iyo raggiisa. Markaa iyada ahina Mucaawiya wuxuu meeshii biyaha geeyay ciidama uu hoggaaminaya Abul Acwar As Sulami. Dabeeto Cali wuxuu biyaha u diray Ashcat bin Qeys Al Kindi iyo jamaaca uu hoggaaminayo, hase ahaatee waxaa is hor dadbay ciidamadii Abul Acwar oo u diiday inay biyaha dhaansadaan ama cabbaan. Cali bin Abii Daalib wuxuu raggiisii amray inay adkeystaan oo ragga biyaha ka durkiyaan. Markaa buu Ashcat weerar celin sameeyay oo labada qolo is heleen oo gamuunnada la isku hoobiyey, oo waramada laysku shiishay oo seefaha laysku daqray. Kadibna waxaa yimid Ashtar An Nukhaci oo gurmad dhanka Cali kasocda ahaa iyo Camr ibnu Al Caas oo isaguna gurmad dhanka Mucaawiya kayimid ahaa, waxaana dhacay dagaal socday jeer ciidamadii Mucaawiya laga qaaday gacan ku hayntii goobta biyaha. Markaa buu Cali raggiisii amray in biyaha aanan cidi loo diidin oo aanan lagu dhibin, wuxuuna amray in lawada wadaago oo lawada cabbo labada dhinacba. Intaa kadib Cali laba maalmood buu meeshaa kusugnaa isagoonan wax warqad ah Mucaawiya u qorin, sidoo kalena Mucaawiya majirin warqad uu Cali muddadaas usoo qoray mana jirin ergo ay is dhaafsadeen muddadaas labada casho ah, kadib buu Cali u yeeray Bashiir bin Camr Al Ansaari, Saciid bin Qeys Al Hamdaani iyo Shabbath bin Ribciyi As Sahmi oo u diray dhankii Mucaawiya si ay ugu yeeraan daacada iyo midnimadda, wuxuuna ka dalbaday inay usoo dhageystaan waxa uu oranaya. Markay ergadan u galeen Mucaawiya baa waxaa hadalka billaabay Bashiir bin Camr oo ku yiri:- Mucaawiyoow! adduunyadu waad ka tegeysaa, waxaadna u noqoneysaa aakhiro, Illaahayna wuu xisaabin doonaa camalkaaga, wuuna kaa abaal marin waxa aad hormarsatay. Illaahay baan kugu dhaarin Mucaawiyoow! inaadan ummadan midnimadooda kala geynin oo aadan dhiiggoodu daadin dhexdooda.

Markaa buu Mucaawiya yiri:- Oo maxaad saaxiibkiin sidaa ugu dardaarmi weydeen?

Wuxuu yiri:- Saaxiibkey (Cali) arrinkan wuu kaa mudanyahay fadligiisa dartii iyo diintiisa iyo ku horreyntii gelidda diinta iyo qaraabannimadiisa (uu qaraabada la yahay Rasuulka SCW), wuxuuna kuugu yeeri inaad la mubaayacooto, taas baa adduunyadaadu kuu wanaagsan oo aakhiradaaduna kuu kheyr badane. Kadib Mucaawiya wuxuu ku adkeystay raadinta dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan, markaasuna waxaa damcay inuu hadlo Saciid bin Qeys Al Hamdaani, hase ahaatee waxaa uga hor maray Shabbath bin Ribciyi oo hadallo uu Mucaawiya ka carooday ku hadlay, markaasay kala tegeen oo raggii ergada ahayd Cali ku laabteen oo uga warrameen wixii ay Mucaawiya kala kulmeen iyo kudhegnaashahiisii ahaa raadinta dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan Allaha ka raalli noqdee. Markaa iyada ah buu Cali diyaariyey ciidamadiisii oo dhisay, markaa baa waxaa billawday dagaalkii oo soconayay bishii Dul Xijjah oo idil, Wuxuu Cali maalin weliba ciidamadiisa u sameynayay masuul cusub, sidaa oo kale ayuuna Mucaawiya ciidamadiisa u sameynayay maalin waliba masuul cusub, waxaana kamid ahaa madaxdii Cali ciidamadiisa Ashtar An Nukhaci oo waaga oday weyn ahaa oo dagaalyahan ah, Xujri bin Cadiyi Shabbath bin Ribciyi, Khaalid bin Al Muctamar, Ziyaad bin Nadar, Ziyaad bin Xafasah, Saciid bin Qeys, Macqal bin Qeys iyo Qeys bin Sacad bin Cubaada.

Madaxdii ciidamada Mucaawiyana waxaa kamid ahaa C/Raxmaan bin Khaalid bin Al Waliid, Abul Acwar As Sulami, Xabiib bin Maslama Al Fihri, Dil Kulaac Al Ximyari, Cubeydullaah bin Cumar bin Khaddaab, Shuraxbiil bin Samadh iyo Xamzah bin Maalik Al Hamdaani. Waxaa dhici jirtay in labada qolo maalmahaasi dagaalka ay kulmaan maalintii labo goor.

Sanadkan isaga ahi waxaa dadka xajiyey C/llaahi ibnu Cabbaas bin C/Mudalleb oo amarkii amiirka Mu’miniinta ku xajisiiyey.

SANADKII 37AAD

Bilawgii sanadkan amiirkii Mu’miniinta Cali bin Abii Daalib iyo Mucaawiya waxay isla deganaayeen goobta Safiin oo dhacda daanta galbeed ee webiga Furaat iyo bariga Shaam, iyadoo mid waliba uu wato ciidamo culus, waxay diriri dhex mareysay bishii Dul Xaj oo idil, waxaana dheceysay in maalmaha qaarkood ay labo mar dagaallamaan sidaynuba soo xusnay.

Kadib Cali wuxuu diray qaar kamid ah raggiisii, kuwaasoo kala ah Cadiyi bin Xaatim, Yaziid bin Qeys Al Arxabi, Shabbath bin Ribciyi iyo Ziyaad bin Xafasah oo uu u diray dhanka Mucaawiyah erga ahaan. Waxay u tageen Mucaawiya oo uu garab fadhiyo Camr bin Al Caas, saa waxaa hadalkii billaabay Cadiyi bin Xaatim oo inta Alle mahadiyey kuna amaanay waxa uu u ehel yahay yiri:- Intaa dabadeed, Mucaawiyoow! Annagu waxaanu kuugu nimid inaan kuugu yeerno arrin uu Alle ku kulminayo kalmadeenna, oo dhiigguna ku badbaado, dadka dhexdooduna haggaajisa. Ina adeerkaa (Cali) waa seydkii Muslimiinta oo ah koodii ugu fadli badnaa uguna horreeyay Islaamka, waana ninka ugu raad wanaagsan Islaamka dhexdiisa. Dadkii oo idil isaga ayay raaceen oo Alle ku hanuuniyay wixii ay arkeen, mana harin cid aanan adiga iyo kuwa kula socdo ka ahayn. Mucaawiyoow! yaanay idin ku dhicin adiga iyo asxaabtaada wixii dhacay maalintii Jamal.

Mucaawiya baa markaa hadlay oo yiri:- Waxaad mooddaa inaad u timid handadaad oo aadan u iman maslaxa. Mucaawiya wuxuu ku dhagay mowqifkiisii ahaa raadinta dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan, waxaanan taas ahaynna wuu diiday.

Kadib waxaa hadlay Shabbath bin Ribciyi iyo Ziyaad bin Xafasah oo xusay fadliga Cali iyo wanaaggiisa waxaana hadalladoodii kamid ahaa sidan:- Alle ka cabso Mucaawiyoow! oo ha khilaafin, Innagu Illaah baan ku dhaarannaye inaynaan arag horey qof kaga camal badan taqwadda Alle oo kaga zaahidnimo og adduunyada oo kaga kulansasho badan khasladaha kheyrka oo idil (isaga Cali). Kadib Mucaawiya baa hadlay oo inta Alle mahadiyey ku amaanay waxa uu ehel uyahay kadibna yiri:- Intaa dabadeed, idinku waxaad iigu yeereysaan midnimada iyo adeecid, ammaa jamaacadu waa macna gaar ah, ammaa adeecidduna oo sidee baan ku adeecaa nin ku gargaaray dilkii Cuthmaan iyadoo uu weliba sheeganayo inuusan isagu dilin? Innaguna u celin meyno arrinkaa isaga oo ku tuhmi meyno, hase yeeshee wuxuu soo dhaweyey raggii dilay. Marka ha inoosoo dhiibo aanu dilno (raggii dilay Cuthmaan) kadibna waan idinka ajiibeynaa daacadda iyo jamaacaduba.

Markaa bay ergadii laabteen oo u tegeen Cali oo uga warrameen wixii dhex maray Mucaawiya iyo iyaga. Mucaawiyana wuxuu soo diray Xabiib bin Maslama, Shuraaxbiil bin Samadh iyo Macni bin Yaziid bin Al Akhnas, wuxuuna u diray dhankii Cali ergo ahaan. Markay u tegeen Cali baa waxaa dhex maray doodo aad u dhaadheer oo xusiddeedu ay nagu dheeraaneyso, waxaana ergada Mucaawiya ay Cali ku eedeynayeen inuu soo dhaweeyay raggii dilay Cuthmaan, mararka qaar isaga qudhiisa bay ku eedeynayeen inuu ka dambeeyay iyadoo uu beri ka ahaa Allaaha ka raalli noqdee.

Abuu Dardaa Al Ansaari iyo Abuu Umaamah oo ciidamadii Shaam ka tirsanaa baa waxay u tegeen Mucaawiya oo ay ku yiraahdeen:- Mucaawiyoow! maxaad kula dagaalleysaa ninkan? Illaah baan ku dhaarannaye isaga baa idinkaga horreeyay adiga iyo aabahaaba Islaamka oo kaaga dhawaan og Rasuulka Alle SCW oo kaana mudan arrinkan.

Markaasuu Mucaawiya yiri:- Waxaan kula dagaallamayaa dhiiggii Cuthmaan, waayo wuxuu soo dhaweeyay raggii dilay (Cuthmaan) marka u tag oo ku dhaha:- Inoosoo gacan geli raggii dilay Cuthmaan, dabeetana aniga ayaa noqon doono qofkii ugu horreeyo reer Shaam ee lamubaayacooda.

Markaasay is raaceen oo u tegeen Cali oo ku yiraahdeen sidii uu Mucaawiya soo amray, saa waxaa kusoo baxay khalqi tiro badan oo ku yiraahdeen:- Innagoo dhan baa dilnay Cuthmaan ee ciddii doonto haynoo soo baxdo. Kadib Abuu Dardaa iyo Abuu Umaamah way laabteen oo dagaalka isaga baxeen, mana ay xaadirin dib dambe.

Bishaa Muxarram oo idil wax dagaal majirin oo ergada iyo warqadaha ayay is dhaafsanayeen labada dhinac, markiina laga baxay bishii Muxarram buu Cali diray goor gabbal dhac ah Yaziid bin Al Xaarith Al Jushmi si uu reer Shaam uga dhex yeero oo ogeysiiyo in Cali uu weerarayo bacdamaa uu ku hungoobay ergadii iyo warqadahii badnaa ee ay isdhaafsanayeen muddadii bisha ahayd.. Shaamiyiinta aad bay dhawaqaas ula yaabeen, oo uga naxeen, markaa bayna Mucaawiya iyo Camr bin Al Caas ciidamadoodii si huleel ah udhiseen oo meymanadii iyo meysaradii diyaariyeen. Calina isla habeenkaas buu ciidamadiisii dhisay oo fardooleyda reer Kuufa wuxuu u dhiibay Ashtar An Nukhaci, ciidamada lugta ee Kuufiyiintuna wuxuu madaxa uga dhigay Cammaar bin Yaasir. Ciidamada fardooleyda ee reer Basra wuxuu u dhiibay Sahal bin Xaniif Al Ansaari, kuwooda lugtana wuxuu madax uga kala dhigay Qeys bin Sacad Al Ansaari iyo Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas. Guud ahaan ciidamadiisa qaarigooda wuxuu u doortay Sacad bin Fadaki At Tamiimi.

Markaa buu Cali ciidamadiisii kusoo baxay oo dardaaranno fiican siiyey oo amray inaanay ciidamadiisi weerarka billaabin iyo in aanan dhaawac la isa sii raacin iyo in aanan la eryan mid cararay sidoo kale wuxuu amray inaanan la caayin madaxda Shaamiyiinta.

Habeenkaa isaga ah subaxiisii buu Mucaawiya soo dhaqaaqay isagoo ciidamadiisa midigta udhiibay Dil Kulaac Al Ximyari, ciidamada bidaxdana wuxuu u dhiibay Xabiib bin Maslama Al Fihri, ciidamadiisa horena wuxuu madax uga dhigay Abul Acwar As- Sulami, ciidamada fardooleyda reer Dimishiqna wuxuu u dhiibay Camr bin Al Caas halka ciidamada lugta ee reer Dimishiqna uu madax uga dhigay Daxaak bin Qeys Al Fihri, ciidamada reer Falastiin wuxuu u dhiibay Maslama bin Mukhlid, calanka guud ee ciidanka wuxuu u dhiibay C/Raxmaan bin Khaalid bin Al Waliid, ciidamada dambana wuxuu madax uga dhigay Busur bin Abii Ardhaah Al Caamiri.

150 000 ayaa lagu sheegaa ciidamadii Cali inay maalintaa ahaayeen, halka lagu sheega ciidamada Mucaawiya inay ahaayeen 130 000. Koox reer Shaam baa markaa waxay isku dhaarsadeen inaanay cararin oo kuballameen sugnaan iyo sabar. Waxay ahaayeen Shan safood kuwaa iyaga ahi ee ku ballamay sugnaanta iyo adkeysiga, waxaa kaloo daba tiillay 6 safood oo kale. Ciidamada reer Ciraaqna sidaa oo kale waxay sameysteen 11 saf oo hore. Markaa bay labada qole kulmeen maalintii kowaad ee bisha Safar oo ahayd maalin Arbaca ah ee sanadkan, amiirka dagaal gelinta ciidamada Ciraaqiyiintuna wuxuu maalintaasi ahaa Al Ashtar An-Nukhaci, halka ciidamada Shaamna uu dagaal gelinayay dhiggiisa Xabiib bin Maslama Al Fihri, saa waxaa dhex maray dagaal daran oo kulul oo socday illaa galabkii. Gelinkii dambe ee maalintaa bay kala hoydeen oo dagaalkii qaboobay iyadoo qolaba qolada kale ay u adkeysanayso. Dabadeed subaxii labaad oo ahaa subax Khamiis ah bay isu soo jarmaadeen oo sidii oo kale dirir daran dhex martay, iyadoo ciidamada Ciraaqiyiinta uu maalintaa dagaal gelinayay Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas, halka ciidamada Shaamna uu dagaal gelinayay Abul Acwar As- Sulami. Way dirirayeen labada qolo jeer la gaaray gelinkii dambe ee maalintaas oo ay markaa kala hoydeen iyadoo qola waliba ay kooxda kale u adkeysanayso. Subaxii saddexaad oo ahaa aroor Jumcaad bay isku soo kallaheen iyadoo dhanka Ciraaqiyiintu uu dagaal gelinayay Cammaar bin Yaasir halka Shaamiyiintu uu maalinkaa dagaal gelinayay Camr bin Al Caas. Waxaa maalintaan labada dhinac dhex maray dagaal daran. Cammaar bin Yaasir baa weerar culus ku qaaday ciidamadii Camr bin Al Caas oo meeshoodii ka durkiyey. Saa waxaa mubaaraso soo baxay Ziyaad bin Al Nadar oo kamid ahaa hoggaamiyaashii fardooleyda Cali, waxaana usoo baxay nin dhanka Shaamiyiinta ah. Markii labada nin kulmeen bay is garteen, oo waaba labo ka wada dhalatay xagga hooyada, markaasuu midba midka kale ka leexday oo kooxdiisii u laabtay. Fiidkii markii la gaaray buu dagaalkii istaagay oo ay labadii qolo kala hoydeen. Subaxii afraad oo ahaa subax Sabti ah bay isu soo kallaheen. Waxaa subaxaas soo baxay Muxammed bin Cali bin Abii Daalib (oo loo yaqaannay Muxammed bin Xanafiyah) oo hoggaaminayay ciidamada Ciraaqiyiinta, wuxuuna dagaal gelinayay ciidamo aad u culus. Ciidamada dhiggiisa ah ee Shaamiyiintuna waxaa maalintaa dagaal gelinayay Cubeydullaah bin Cumar bin Khaddaab, saa waxaa labada dhinac dhex maray dagaal daran. Cubeydullaah bin Cumar baa mubaariso soo baxay isagoo ka dalbanaya Muxammed bin Cali inuu usoo baxo mubaariso. Muxammedna wuu yeelay oo u soo baxay, markii ay inyar isu jiraan oo isu dhawaadeen, buu Cali yiri:- Waayo labada qof ee mubaarisada isu baxaysa? Waxaa lagu yiri:- Waa wiilkaagii Muxammed iyo Cubeydullaah. Waxaa la yiraahdaa markaa buu Cali dhaqaajiyey daabaddiisii oo amray wiilkiisii inuu istaago. Markii uu Cali yimid, buu ka dalbaday Cubeydullaahi inuu isaga usoo baxa Mubaariso ahaan, hase ahaatee Cubeydullaah wuu diiday. Mar kale ayuu Cali ka dalbaday hase ahaatee sidii oo kale ayuu u diiday, dabeetana Cali dib buu isaga laabtay. Labadii qolana way kala hoydeen. Maalintii shanaad bay isu soo baxeen oo ahayd maalin Axad ah iyadoo ciidamada Ciraaqiyiinta uu hoggaaminayay Cabdullaahi bin Cabbaas halka ciidamada Shaamiyiintuna uu hoggaaminayay ama dagaal gelinayay Al Waliid bin Cuqbah bin Abii Mucayd. Waxaa la sheegaa in Cabdullaahi bin Cabbaas uu maalintan si daran u dagaallamay. Kadib way kala hoydeen oo waxay isu soo jarmaadeen subaxii lixaad oo ahaa subax Isniin ah, iyadoo ciidamada Ciraaqiyiinta uu dagaal gelinayo Qeys bin Sacad bin Cubaada, halka ciidamada reer Shaamna uu dagaal gelinayay Dil kulaac Al Ximyari. Waxaa dhexmaray labada dhinac dagaal kulul sidii hore oo kale iyadoo labada qolaba ay isu sabrayaan oo sugnaan iyo adkeysi ay mid waliba latimid goobta, kadibna way kala hoydeen.

Ashtar An- Nukhaci baa maalintii toddobaad oo ahayd maalin Talaado ah soo baxay isagoo dagaal gelinaya ciidamada Ciraaqiyiinta, saa waxaa kusoo baxay dhiggiisii Xabiib bin Maslamah Al Fihri oo isaguna maalintaa dagaal gelinayay ciidamadii Shaamiyiinta. Waxaana dhex maray labada dhinac dagaal kulul oo aad u daran oo socday illaa galabkii, iyadoo maalmahaasi oo idil dagaallada dhacayay aanay jirin cid ka adkaaneyso cid kale.

Maalintii xigtay oo ahayd Arbaco ayuu Cali ciidankiisii ka dhex istaagay salaaddii Casir kadib oo amray inay dagaal culus isu diyaariyaan oo ka dalbaday sabir iyo sugnaan iyo ka run sheegid goobta dagaalka, Wuxuu Cali ciidamadiisa xasuusiyey in berritoole ay la kulmi doonaan reer Shaam, wuxuuna ka codsaday inay habeenkaa isaga ahi ay salaadda dheereeyaan oo akhrinta Quraankuna ay badiyaan, iyo weliba ka run sheegid goobta macrikada. Markaa bay ciidankii billaabeen inay seefihii afeystaan oo waramadu haggaajistaan oo howl culus ay galeen. Markii ooggu baryay, Cali wuxuu la waa’ bariistay ciidamadiisii oo sidii uu doonay u diyaariyey, sidoo kale Mucaawiyana wuxuu la waa’ bariistay ciidamadiisii oo isaguna uu habbeenkaasi siduu doono usoo dhisay. Waxaa lala yimid labada dhinacba cudud iyo cadad iyo hub aad u culus. Wa billaahil Mustacaan.

Cali bin Abii Daalib wuxuu amray ciidamadiisii in qola waliba oo kamid ah qabaa’ilka ciidankiisa ay ku hagaagto qoladeeda kale ee ku jirta ciidamada Shaam. Cali bin Abii Daalib horey ayuu usoo dhaqaaqay isagoo hoggaaminaya ciidamada dhexda ah oo ahaa reer Madiina, ciidamadiisa midigtana waxaa hoggaaminayay Cabdullaahi bin Budeyl bin Warqaa Al Khuzaaci, kuwa bidixduna waxaa hoggaaminayay Cabdullaahi bin Cabbaas, qurraa’duna waxaa hoggaaminayay Cammaar bin Yaasir iyo Qeys bin Sacad bin Cubaadah, halka qabiilooyinkuna ay calama qaas ah wateen.

Mucaawiyana wuu soo dhaqaaqay subaxaas isagoo reer Shaam geeri kula mubaayacooday, markaasay labadii qolo isasoo hordageen. Cabdullaahi bin Budayl oo ciidamada midigta ee Cali hoggaaminayay baa weerar ku qaaday ciidamadii hortiisa ahaa ee Shaamiyiinta (kuwii bidixda ee ciidamada reer Shaam) kuwaasoo uu hoggaaminayay Xabiib bin Maslama Al Fihri, saa wuu durkiyey oo u geeyay kuwii dhexda oo uu markaa Mucaawiya naf ahaantiisa hoggaaminayay. Cabdullaahi bin Budayl-na ciidamadiisii buu inta dhex istaagay ku boorinayay dagaalka iyo inay horey ugu sii socdaan. Sidoo kale amiirkii Mu’miniinta ee Cali bin Abii Daalib isaguna markaa dagaalka buu raggiisa ku boorinayay oo ku dhiiragelinayay. Mucaawiyana dhankiisa sidaa oo kale buu u geesinnimo gelinayay raggiisa oo ugu boorinayay dagaalka. Markiina uu Mucaawiya arkay jabka soo gaaray ciidamadiisa bidixda iyo in Xabiib lasoo durkiyey buu raggiisii ku booriyey oo amray in weerar culus ay qaadaan oo u gargaaraan Xabiib. Raggii halyeeyada Shaam baa markaa si huleel ah ugu gurmadey dhankii bidixda ee Xabiib bin Maslama uu ka dagaallamayay, saa waxay soo qaadeen weerar culus oo ka run sheegid ah. Goobaha kale dagaalku si daran ayuu uga soconayay oo waramadu la isla helayay, seefuha la isku waray oo gamuunnaduna la isku shabiyey. Heer waxay gaareen markii seefaha, waramada iyo gamuunnada layskala daalay la lagdamay oo lays qaniinay oo lays feeray oo dulka la isla galay, oo lays shiiday (yacni la is dhagaxyeeyay), waxaa dhacaysay in laba nin inta is qabsato isqaniiinaan misna legdamaan oo dhulka muddo ku raftaan haddana ay kala kacayeen oo haddana isku noqonayeen.

Culamaayi taariikh waxay xusaan in Cali maalmahii Safiin uu mubaaraso ku laayay dad dhan 500 . Qaabkii uu mubaarisadu dadka ugu laynayay waxaa kamid ahayd in Kureyb bin Sibaax oo kamid ahaa halyeeyadii ciidamada Shaam uu mubaariso ku dilay afar nin oo reer Ciraaq ah. Markaa buu Kurayb inta dhammaan meydkoodii lugtiisa hoosteeda dhigay buu yiri:- Yaa ii soo baxaya? Saa waxaa ubaxay Cali oo qudha ka saray oo meydkiisii inta ka tallaabsaday yiri:- Yaa iisoo baxaya? Saa waxaa u baxay Al Xaarith bin Waadicah Al Ximyari, saa isagiina wuu dilay. Mar kale ayuu Cali dalbaday in cidi usoo baxdo, markaa waxaa usoo baxay Rawaad bin Al Xaarith Al Kulaaci oo kamid ahaa halyeeyadii reer Shaam, saa isagiina waa uu dilay. Misna mar kale ayuu Cali dalbaday mubaariso, saa waxaa usoo baxay Al Mudaac bin Muddalib Al Qeysi, saa isagiina raggiisii buu ka daba geeyay oo qudha ka jaray. Markaa buu Cali Allaha ka raalli noqdee akhriyey qowlka Alle sarreeye

”Xurmooyinkuna waa qisaas”. Suuradda Al Baqrah aayadda 194d.

Intaa dabadeed Cali wuxuu u jeestay dhankii Mucaawiya oo ka dalbaday Mubaariso. Camr bin Al Caas oo markaa Mucaawiya ka ag dhawaa ayaa kula taliyey in Mucaawiya uu Cali u baxo mubaarizo ahaan, hase ahaatee Mucaawiya wuu diiday inuu Cali isku toosiyo mubaarizo ahaan, waayo wuxuu ogaa in aanan Cali weligii horey looga adkaan. Sidoo kale wuxuu xasuusnaa in Rasuulka Alle SCW uu maalintii Bader yiri:- Ma jirto seyf aanan ahayn Dilfaqaar, mana jira kuray aanan ahayn Cali.

Sidaa darteed Cali dib ayuu isaga laabtay. Waxaa la sheegaa in Camr bin Al Caas iyo Cali ay saaxada dagaalka ku kulmeen mar oo inta Cali gaashaankii ka tuuray Camr buu dhulka ku riday, saa waxaa faydmatay cawradii Camr, markaasuu xasuusiyey riximnimada oo ku cataabay wada dhalashada. Markaa buu Cali dib u laabtay. Raggiisii baa weydiiyey sababta uu uga soolaabtay ninka oo uu u dili waayay? Cali wuxuu ku yiri:- Ma garanaysan ninka? Waxay yiraahdeen:- May. Wuxuu yiri:- Waa Camr bin Al Caas oo iga horkeenay cawradiisii oo i xasuusiyey riximka, markaasaan kasoo laabtay.

Xabiib bin Maslama iyo halyeeyadii geesiyaasha ee reer Shaam, waxay soo qaadeen weerar culus oo ay ku wiiqeen awooddii ciidamadii midigta ee Cabdullaahi bin Budayl, markaasay kashifmeen raggii Cabdullaahi bin Budayl oo carareen, waxaana kusoo haray 300 oo qura. Ciidamadii reer Ciraaq way jabeen oo xitaa Cali agtiisa waxaa kusoo hartay in yar oo ah reer Madiina oo kaliya, kuwaasoo uu hoggaanka markaa u hayay Sahal bin Xaniif Al Ansaari. Rabiica iyagun way sugnaadeen oo maanay cararin, agta Cali bayna ka dagaallamayeen oo difaac culus ku jireen. Ciidamadii Shaamiyiintuna waa ay soo dhawaadeen jeer gamuunnadoodii ay soo gaareen Cali agtiisa. Adeega u joogay reer banii Umaya baa markaa raggiisii kasoo dhex baxay, saa waxaa u baxay adeega uu lahaa Cali. Markay is heleen waxaa la dilay adeegahii Cali, saa adeegihii reer banii Umayah horey buu usii socday jeer uu kudhawaaday Cali agtiisa isagoo doonaya inuu dila. Waxaa markaa iyada ahi Cali la joogay wiilashiisa, Xasan iyo Xuseen iyo Muxammed. Markii uu adeegahii ku dhawaaday Cali baa inta uu qabtay gacanta ayuu maroojiyey deedna dhulka ku ganay oo garabka ka jabay. Xuseen iyo Muxammed baa inta kusoo baxay seefahoodii qudha uga jaray oo dilay. Cali intuu wiilkiisii Xasan ku jeestay buu weydiiyey:- Maxaa kuu diiday inaad fasho siday (walaaladaa) faleen? Wuxuu Xasan ku jawaabay:- Way iiga fillaadeen amiirkii Mu’miniintoow!!.

Wuxuu Cali markaa amray Ashtar An- Nukhaci inuu ka daba tego dadkii jabay oo uu soo celiyo, saa Ashtar wuu dhaqaaqay oo inta kadaba tegay soo celiyey oo ku booriyey dagaalka amrayna inay sugnaadaan oo weerar culus ay ku qaadaan Shaamiyiinta. Markii uu Ashtar soo celiyey raggii jabay, waxay ciidamadii Cali noqdeen kuwa culus oo awooddii ka hor timaaddaba wiiqa oo kafisho weerarada reer Shaam oo idil, sidaa buu Ashtar usoo socday jeer uu soo gaaray ciidamadii midigta ee Cabdullaahi bin Budayl oo markii hore ay agtiisa ku hareen 300, kuwaasoo goobtoodii ku sugnaaday oo diriray dirir daran. Markii gurmadkan uu soo gaaray bay weydiiyeen amiirkii Mu’miniinta xaalkiisa? Iyana waxay usheegeen inuu bed qabo oo aanay balo helin. Goortu waxay ahayd salaaddii Casir kadib, Cabdullaahi bin Budayl markii uu gurmadku u yimid buu damcay in uu weerar culus qaado, hase ahaatee Ashtar An Nukhaci baa kula taliyey inuusan wax weerar ah qaadin isagoo usheegay inay isaga u roontahay inuu meeshiisa kusugnaado. Cabdullaahi bin Budayl wuu diiday arrinkaa, weerar ayuuna ku qaaday dhankii ciidamada reer Shaam, oo abbaaray dhankii Mucaawiya, markiina uu kudhawaaday wuxuu arkay isagoo (Mucaawiya) uu dhex taaganyahay asxaabtiisa oo hareerahiisuna ay dhoobanyahiin guutooyin ciidamo ah oo lamoodo buuro oo kale. Markaa baa qeybo kamid ah guutooyinkaas baa weerar kusoo qaadeen dhankii Cabdullaahi oo way dileen, isagoo mayd ayuuna dhulka ku dhacay. Halkaa ayuuna ku naf waayay amiirkii ciidamada midigta ee Ciraaqiyiinta ee ahaa Cabdullaahi bin Budayl bin Warqaa Al Khuzaaci, raggiisiina waa ay jabeen, jabkooduna waxaa u badnaa kuwa daawac la baxsaday. Wuxuu Mucaawiya amray asxaabtiisii inay soo eegaan cidda amiirka u ahayd ciidamadaas, markiina ay dul yimideen maydkii Cabdullaahi bin Budayl, way garan waayeen. Mucaawiya baa markaa yimid, oo markuu arkay waaba Cabdullaahi bin Budayl bin Warqaa oo uu si fiican uyaqiinay. Dabadeed Ashtar An Nukhaci baa wuxuu la laabtay kuwii soo jabay oo weerar culus qaaday, illaa uu dhex gooshay safafkii shanta ahaa ee ku ballamay geerida iyo inaysan cararin afar kamid ah. Wuxuu dul istaagay safkii ugu weynaa oo ku dadbanaa Mucaawiya hortiisa, markiina uu Ashtar arkay tira badnida safkaas buu ku sigtay inuu baxsada hase ahaatee wuxuu soo xasuustay tix gabay ah oo uu tiriyey Camr bin Idnaabah, taasoo dareensiisay in xilliyadaas oo kale aanay habbooneyn in la cararo. Markaa buu Ashtar weerarkii adkeeyay oo sugnaaday isaga iyo raggiisiiba oo diriray dirir daran. Mucaawiya markuu arkay weerarada Ashtar ee aanan loo babac dhigi karin buu ku sigtay inuu baxsada, saa wuxuu la hadlay Camr bin Al Caas oo dhinaciisii taagnaa oo uu ku yiri:- Maantu waa sabir, berrina waa faan. Camr bin Al Caas baa ugu jawaabay:- Run baad sheegtay.

Wuxuu yiri Mucaawiyah:- Waxaan asiibay kheyrkii adduunyada, waxaana rajayn inaan asiibo kheyrka aakhiro.

Mucaawiya intii dagaalladaas lagu jiray buu mar warqad u qoray Khaalid bin Al Muctamar oo kamid ahaa hoggaamiyaashii fardooleyda Cai isagoo ka codsanaya in isaga iyo inta uu hoggaaminayaba ay isaga kusoo biiraan, wuxuuna taa badalkeeda u ballan qaaday inuu masuul uga dhigi doono dhulka Ciraaq oo idil.

Dagaalkii dhacay maalintan waxaa ku hoobtay rag badan oo kamid ah geesiyaashii labada dhinac iyo rag caan ahaa. Fa innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun. Raggii caanka ahaa ee maalintaa ku geeriyooday dagaalkan waxaa kamid ahaa Cubeydullaah bin Cumar bin Al Khaddaab oo katirsanaa halyeeyadii ciidamada Shaam. Maalintaa iyada ah raggii amaraada ciidamada reer Shaam ayuu kamid ahaa, waxaana la socdeen labadiisii dumar oo lakala oran jiray Asmaa bint Cudhaarid bin Xaajib At- Tamiimiyah iyo Baxriyah bint Hannaay bin Qabiisah Ash Sheybaaniyah. Gadaashiisa ayay istaageen si ay u eegaan geesinnimadiisa iyo sida uu u dagaallamayo odaygooda. Mar qura baa waxaa weerar kusoo qaaday ciidamo Kuufiyiin ah oo reer Rabiica ah, kuwaasoo uu hoggaaminaya Ziyaad bin Xafasah At- Tamiimi, markaasay mar qura waramada iyo seyfaha ku adkeeyeen oo dileen, ka gadaal markii ay asxaabtiisii ka carareen. Sidoo kale waxaa la dilay maalintaa Dul Kulaac Al Ximyari oo kamid ahaa geesiyaashii reer Shaam.

Raggii akhyaarta ahaa ee ku naf waayay Safiin maalintaa iyada ahi waxaa kamid ahaa Cammaar bin Yaasir Al Canasi, kaasoo daliil u ah in kooxda Cali ay ahayd kuwa xaq ku taagan, halka kooxda Mucaawiyana ay ahaayeen kuwa xad gudbay. Rasuulkii Alle SCW wuxuu yiri:- Camaaroow! waxaa ku dili doonto kooxda xadgudubtay”.

Sidoo kale wuxuu yiri:- Markay ummaddu is khilaafta, ina Sumayah (Camaar) wuxuu la jiri doonaa kuwa xaqa kutaagan.

Waxaa la sheegaa inuu ahaa ninkii Cammaar dilay Abul Qaadiyah Yassaar Al Muzanniyi (ama Al Juhani), Waxay ina tusineysaa in dilka Cammaar uu ahaa, mid reer Ciraaq ay ahaayeen kuwa xaq ku socda halka, ciidamada Shaamiyiinta ay ahaayeen xad gudbay. Axaadiis dhowr ah ayuu Rasuulka Alle SCW ku tilmaamay in Cammaar ay dili doonaan koox xad gudubtay. Sidaa darteed Cammaar wuxuu lasocday Cali oo wuxuu daliil u yahay in Cali uu ahaa hoggaamiyaha koox xaq ku taagan halka, Mucaawiyana uu ahaa mid hoggaaminayay koox xad gudubtay.

Cabdullaahi bin Camr bin Al Caas ayaa aabahii ku yiri:- Aaboow! ma waadan maqal Rasuulka Alle SCW oo Camaar ku leh:- Hooge ina Sumayoow! waxaa ku dili doonto koox xadgudubta? Markaasuu Camr bin Al Caas ku yiri Mucaawiya:- Ma waadan maqlayn waxa uu Cabdullaahi-gan leeyahay? Markaa baa Mucaawiya intuu carooday yiri:- Ma innagaa dilnay? Waxaa dileen kuwii meesha keenay. Axaadiis dhowr ah ayaa muujineysa in Cammaar ay dili doonta koox xad gudubtay, sidoo kale waxaa cad in uu la socday Cali oo misna uu kamid ahaa raggii ugu cad caddaa masuuliyiintii Cali.

Cammaar bin Yaasir bin Caamir bin Maalik Al Mudxaji Al Canasi, halkaa ayuu ku shahiiday Allaha ka raalli noqdee. Sidoo kale waxaa kamid ahaa dadkii maalintaa ku shahiiday Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas Allaha ka raalli noqdee, wuxuu kamid ahaa saadaaddii saxaabada, wuxuuna ka tirsanaa masuuliyiintii Cali.

Markii la dilay Cammaar baa Cali wuxuu reer Rabiica iyo Hamdaan ku yiri:- Idinku waxaad tahiin diracayga (cambuur bireedka dagaalka) iyo warankayga. Markaasay xaggiisa u soo dideen 12 000 oo ay weerar culus qaadeen, saa saf kastoo ka hor yimaadama way kashifeen illaa markii dambe ay gaareen Mucaawiya agtiisa. Cali intaa wuu la socday oo guubaabinayay. Dabadeed wuxuu hor mariyey wiilkiisa Muxammed iyo koox culus oo uu hoggaaminaya, saa waxay dirireen dirir daran oo wuxuu misna kadaba diray koox kale, markaasay weeraro culus oo is daba joog ah qaadeen, garaangirtii dagaalkuna ay wareegatay, halkaasoo ay ku naf waayeen khalqi aad u tiro badan oo labada dhinac ah. Sidaa baa lagu gaaray salaaddii Cishaha, dagaalkuna ma uusan qaboobin ee wuu sii socday, habeenkaa isaga ahi wuxuu ahaa habeenkii ugu shar badnaa Muslimiinta dhexdooda, waana habeenkii loogu magac daray Leylatul Hariir. Waxay ahayd habeen Jumca ah, Calina wuxuu hoggaaminayay ciidamadiisa dhexda wuxuuna amrayay inay sugnaadaan oo aanay cararin sidoo kale wuxuu ku boorinayay dagaalka. Ciidamadiisa midigtuna waxaa hoggaaminayay Ashtar oo qabtay masuuliyaddaas kadib markii galabkii khamiista la dilay amiirkii ciidamadaas, kaasoo ahaa Cabdullaahi bin Budayl sidaynuba soo xusnay, kuwa bidixdana waxaa hoggaaminayay Cabdullaahi ibnu Cabbaas. Dagaalku habeenkaas dhan waliba wuxuu uga socday si daran oo aanan horey loo arag. Dagaalku wuu socday illaa la gaaray subaxii, say tukadeen, halkii buuna mar kale kasii billawday dagaalka oo uu socday jeer la gaaray barqadii maalintaa oo ahayd maalin Jumca ah, markaasoo Illaahay guushii u soo dedejiyey reer Ciraaq, oo ay ka sare mareen oo ka gacan sareyeen, kana awood bateen reer Shaam. Sababtuna waxay ahayd markii la dilay Cabdullaahi bin Budayl baa waxaa ciidamadii midigta masuul looga dhigay Ashtar An Nukhaci, wuxuuna Ashtar ahaa mid kamid ah halyeeyadii iyo geesiyaashii caanka ku ahaa dagaalka, wuxuu tab iyo xeelad sare u yaqiinay qaabka dagaalka, markaa buu weerarro is daba joog ah kuqaaday dhanka Shaamiyiinta. Dhanka kale reer Ciraaq markii ay arkeen in Camaar la dilay bay yaqiinsadeen inay xaq ku taaganyahiin iyo in reer Shaam ay yahiin koox xad gudubtay. Markaa bayna dagaalkii laba jibaareen oo si ka daran sidii hore u dagaallameen, Taasina waxay sababtay in maalintaa Jumcada ahi subaxeediii Illaahay nasri u keeno reer Ciraaq oo ay ka awood roonaadeen reer Shaam, markaasoo reer Shaam ay musxafka kor u qaadeen si ay isaga ugu xukuntamaan.

Reer Shaam oo Musxafka Kor u Qaaday

Sababtu waxay ahayd markii xaaladdii darnaatay oo dagaalkii kululaaday, reer Shaamna ay arkeen inay daciifeen, baa Camr bin Al Caas wuxuu jecleystay inuu xaalku qaboobo oo dagaalku istaago, markaasuu la hadlay Mucaawiya oo uu ku yiri:- Waxaan qabaa arrin aanan noo siyaadineyn waqtigan la joogo wax aanan midnimo ahayn, iyana (reer Ciraaq) aanan u siyaadineyn wax aanan kala tag iyo tafaraaruq ahayn, waxaan arkaa inaynu Musxafka kor u qaadno oo aanu ugu yeerno xaggiisa. Haddii ay naga wada yeelaan idilkood, waxaa istaagaya dagaalka waqtigan. Haddii ay dhexdooda isku khilaafaan, oo barkoodu yiraahdaan, waanu yeeleynaa, barkoodna yiraahdaan ma yeeleyno cududdoodii way kala tagaysaa oo way jabayaan. Markaa buu Mucaawiya arrintaa ku raalli noqday oo reer Shaam Musxafkii kor u qaadeen iyagoo ugu yeeraya Cali iyo reer Ciraaq in ay isaga (Musxafka) ku kala baxaan. Waxaa la sheegaa Ashcath bin Qeys inuu Cali kula taliyay inuu arrinkaasi ka yeelo, ciidamadii Calina badankoodu waxay isku raaceen in dagaalka la joojiyo oo kitaabka lagu heshiiyo. Cali taa baddalkeedu wuxuu qabay in dagaalku lasii wado, wuxuuna raggiisa u tilmaamay in reer Shaam ay kitaabka u qaateen qadca iyo dhagar. Dhanka kale Cali wuxuu ahaa mid ku xukuntama kitaabka Alle, sidaa darteed buu amray in Ashtar uu joojiyo dagaalka.

Cabdullaahi bin Camr bin Al Caas ayuu ahaa ninkii Musxafka la dhex marayay ciidamada, isagoo xagga Alle ugu yeerayo iyo in lagu xukuntama kitaabka Alle. Taasuna waxaa amray Mucaawiya bin Abii Sufyaan Allaha ka raalli noqdee.

Labada dhinac waxay sameeyeen wacdaro aanan horey loo arag loona maqal iyo weliba sugnaan iyo sabir xeel dheer oo aanan mid lamid ah horey iyo dib loo arag. Ma jirin koox koox kale ka cararaysay bal ee way isu sabrayeen oo waramada lays darayay sidoo kalena seefaha laysla helayay gamuunnaduna la isku shabinayay. Way isu sabrayeen, jeer ay iska dileen labada dhinacba tiro 70 000 ah, oo 45 000 kamid ahi ay ahaayeen reer Shaam, halka 25 000 ay ahaayeen reer Ciraaq.

Muddadii ay dagaallamayeen ee ay labada qola kusugnaayeen goobta Safiin ayaa la isku khilaafaa. Seyf bin Cumar wuxuu yiri:- Waxay is haysteen 7 bilood ama 6 bilood.

Abul Xassan Al Baraa wuxuu yiri:- Waxay is haysteen 100 maalmood.

Sida uu Ibnu Kathiir rajaxay waxay tahay in ay kulmeen bilashadii bisha Dil Xaj ee sanadkii hore yacni sanadkii 36aad, oo ay is haysteen illaa 13-kii bisha Safar sanadkan yacni 37aad ee Hijriga maalin Jumca ah. Sidaasina waxay noqon 77 maalmood Wallaahu aclam.

Axaadiis dhowr ah ayaa jirta oo tilmaameysa dhacdadaan oo Rasuulku SCW sii sheegay, waxaana kamid ah xadiis laga soo weriyey Abuu Hureyra Allaha ka raalli noqdee in Nebigu SCW uu yiri:- Saacaddu (Qayaama) dhici mahayso, jeer ay diriraan labo kooxood oo waa weyn, kuwaasoo dhex dooda iska dili doono maqtalo aad u weyn, iyadoo dacwadooduna ay tahay mid qura.

Intaa ayaana kasoo qaadaneynaa axaadiista tilmaameyso dhacdadaan.

Imminkuna waa

Qisadii Xukuntamka

Kadib markii labada qolo ay isku raaceen in dagaalku la joojiyo oo la xukuntamo, ayaa waxaa la isla gartay in dhan waliba uu ka yimaado xaakim u matala xukuntamka. Waxaana la isla gartay in lagu raalli noqdo labadaa xaakim wixii ay maslaxa u arkaan oo ay isku raacaan oo ay u keenaan Muslimiinta, taasoo lagu bad baadinaya dhiigga Muslimiinta. Mucaawiya wuxuu u wakiishay dhankiisa, Camr bin Al Caas. Cali bin Abii Daalibna wuxuu damcay inuu u wakiisha Cabdullaahi bin Cabbaas, shallaytadiisee muuna falin, wuxuuse u wakiishay Abii Muusa Al Ashcari.

Ashcath bin Qeys baa inta Cali u yimid u tilmaamay inuu Abii Muusa Al Ashcari u wakiisha dhankiisa, dabeetana reer Yeman wixii ciidanka Cali lasocday oo idil baa ku raacay oo ayiday in Abuu Muusa Al Ashcari loo wakiisha. Cali wuxuu damcay inuu u wakiisha Ashtar, kadib markii taa ka hor ay quraaddii ciidamadiisa ka tirsanaa diideen inuu Cabdullaahi ibnu Cabbaas u wakiisha. Waxayna qurraadii yiraahdeen:- Oo ma waxaad sicirkii dagaalka iyo sicirkii dhulkuba isugu dareysaa Ashtar? Markaa buuna Cali go’aansaday inuu u wakiisha cidda ay iyagu doonaan. Axnaf bin Qeys baa ka dalbaday Cali inuu asaga arrintaa udhiibo arrinkan una wakiisha, bacdamaa uu Axnaf ahaa nin aad u aftahansanaa, oo xilmi badnina u dhashay. Hase ahaatee amiirkii Mu’miniinta ee Cali bin Abii Daalib wuxuu usheegay in aanay qurraada ciidankiisu dooneyn cidaanan Abii Muusa Al Ashcari ahayn. Kadib waxaa lagu heshiiyey in lakala qorto warqaddii heshiiska. Saa markii la billaabay oo la qoray bisinka, ayaa wuxuu Cali oo yeerinayay warqadda ku yiri qorihii qorayay:- Qor tani waa wixii uu xukmiyey Cali bin Abii Daalib, amiirkii Mu’miniinta….

Halkaa marka la marinayo ayuu Camr bin Al Caas qorihii ku yiri:- Qor magaciisa (Cali) iyo magaca aabahiis (Abii Daalib) waayo innagu inooma ahan amiire”.

Axnaf bin Qeys baa markaa qorihii ku yiri:- Ha qorin, waxaanan amiirkii Mu’miniinta ahayn”. Cali bin Abii Daalib baa markaa yiri:- Tir amiirkii Mu’miniinta oo qor, tani waa wixii uu xukmiyey Cali bin Abii Daalib… illaa aakhirka warqadda.

Cali wuxuu markaa ka sheekeeyey qisadii Xudeybiyah, markii heshiiska ay kala qoranayeen Nebiga SCW iyo Qureesh, warqaddaasoo uu Cali laf ahaantiisa qorayay, markaasoo Qureeshtu ay yiraahdeen:- Tir Rasuulkii Alle, oo qor magaciisa (Muxammed) iyo magaca aabahiis (Cabdullaahi), saa Cali uu diiday inuu tiro Rasuulkii Alle, dabeetana Nebiga SCW baa inta ka qaaday masaxay oo amray inuu qoro Muxammed bin Cabdillaahi.

Kadib waxaa warqaddii lagu qoray heshiiskii iyo axdigii ay labada qolo kala qorteen, iyadoo lagu heshiiyey in lagu raalli noqdo wixii ay labada xaakim u keenaan Muslimiinta oo maslaxa ah, waxaana lagu qoray in ay kulmaan bisha Ramadan oo ay ku kulmaan Duumatul Jundal, iyadoo labada dhinacba uu midkiiba soo kaxaysan doono 400 oo asxaabtiisa ah. Dabadeed warqaddii Ashcath bin Qeys baa qaaday oo dadka kula dhex dawaafay oo ku dul akhrinayay.

Tanina waa magacyadii Raggii goobjoogga ahaa warqaddii heshiiska, dhanka Cali waxaa ka socday 10 nin oo kala ahayd Cabdullaahi ibnu Cabbaas Al Qurashi Al Haashimi, Ashcath bin Qeys Al Kindi, Saciid bin Qeys Al Hamdaani, Cabdullaahi bin Dufeyl Al Mucaafiri, Xujr ibnu Yaziid Al Kindi, Warqaa bin Sumayyi Al Cijli, Cabdullaahi bin Bilaal Al Cijli, Cuqbah bin Ziyaad Al Ansaari, Yaziid bin Juxfah At Tamiimi iyo Maalik bin Kacab Al Hamdaani. Tobankan waxay ka socdeen dhanka Cali, waxaa kaloo la sheegaa inuu Axnaf bin Qeys ku jiray oo ay dhanka Cali sidaa ku noqonayaan 11 nin, Wallaahu aclam.

Dhanka Mucaawiyana raggii goobjoogga ahaa warqaddii heshiiska iyana waxay kala ahaayeen, Abul Acwar As- Sulami, Xabiib bin Maslama Al Fihri, Cabdiraxmaan bin Khaalid bin Waliid Al Qurashi Al Makhzuumi, Mukhaariq bin Al Xaarith Az- Zubeydi, Waa’il bin Calqamah Al Cadawi, Calqamah bin Yaziid Al Xadrami, Xamzah bin Maalik Al Hamdaani, Subayc bin Yaziid Al Xadrami, Cutbah bin Abii Sufyaan Al Qurashi Al Umawi (Mucaawiya walaalkiis) iyo Yaziid bin Al Xur Al Cabasi. Tobankaa ayay ahaayeen kuwii ka socday dhanka Mucaawiye.

Intaa dabadeed waxaa la amray in meydka la aaso, waxaana 50-kii qofba lagu aasayay god weyn, sida uu imaam Zuhri xusay. Markii la damcay in lakala guuro, baa Cali wuxuu soo daayay koox uu qafaashay intii uu dagaalka socday oo reer Shaam ah, saa Mucaawiyana kuwa intaa lamid ah ama kudhaw oo reer Ciraaq ah buu intii dagaalka socday uu qafaashay. Wuxuu Mucaawiye damcay inuu laayo bacdamaa uu u maleeyey in raggiisii uu Cali laayey. Markii uu Mucaawiyah arkay in raggiisii loosoo daayay buu isaguna iska sii daayay kuwii uu qafaashay.

Waxaa la sheegaa raggii uu Mucaawiya qafaashay inuu ku jiray nin la oran jiray Camr bin Aws oo ka dhashay Asdiga. Saa wuxuu damcay inuu dilo. Markaasuu ninkii yiri:- Igu manno sheego, waayo waxaad tahay abtigeey?

Wuxuu Mucaawiye yiri:- Hooge intee baan ku noqday abtigaa?

Wuxuu ninkii yiri:- Ummu Xabiibah afadii Rasuulka Alle SCW waa hooyadii Mu’miniinta, aniguna waxaan ahay wiilkeeda, adiguna waxaad tahay walaalkeed, sidaa darteed waxaad tahay abtigeey”.

Aad buu Mucaawiya ula yaabay, markaasuu iska sii daayay. Kadibna waxay dadkii u kala laabteen dhulalkoodii, Mucaawiya wuxuu aaday Shaam isaga iyo raggiisii oo ay galeen magaaladii Dimishaq, Calina wuxuu aaday Kuufa.

Soo Bixiddii Khawaarijta

Sababtu waxay ahayd markii la kala qortay heshiiskii Safiin, baa warqaddii waxaa qaaday Ashcath bin Qeys oo dadka kula dhex dawaafay isagoo rac weliba kudul akhrinayay. Saa wuxuu dul tegay koox banii Tamiim ah oo uu ku dul akhriyey, dabeetana Curwah bin Adiinah (Adiinah waa hooyadii, magaciisa Saxduna wuxuu ahaa Curwah bin Jariir) oo ka dhashay banii Rabiica bin Xandala, kaasoo la dhashay Abii Bilaal Mirdaas bin Jariir baa usoo istaagay oo ku yiri:- Ma waxaad diintii Alle dhaxdeeda u xukuntameysaan laba nin? Kadibna seyftiisii buu la helay daabbadii (faraskii ama awrkii ama baqashii) Ashcath bin Qeys, saa Ashcath iyo raggiisiiba aad uga caroodeen arrintaas. Axnaf bin Qeys iyo madax kamid ah banii Tamiim baa inta Ashcath u soo istaagtay uga cududaartay arrinkaas.

Al Heytham bin Caddiyi wuxuu yiri:-Khawaarijtu waxay sheegtaan in qofkii ugu horreeyay ee xukma uu ahaa Cabdillaahi bin Wahab Ar- Raasubi”.

Cali bin Abii Daalib wuxuu ka dhaqaaqay Safiin, markii warqadda heshiiska lakala qortay, wuxuuna abbaaray dhankii Kuufa isagoo sii maraya waddada Hayt. Markii uu ku dhawaaday inuu galo magaalladii Kuufa, ayaa waxaa ka ictisaalay koox kamid ah ciidankiisii oo lagu sheegay inay ahaayeen 12 000, waxayna noqdeen Khawaarij. Waxay ku inkireen waxyaabo badan amiirkii Mu’miniinta, oo waxayna diideen inay magaalladiisa la degaan, waxayna degeen meel la yiraahda Xaruuraa. Dabadeed amiirkii Mu’miniinta ee Cali bin Abii Daalib wuxuu u diray Cabdillaahi bin Cabbaas oo la soo dooday badankoodiina soo celiyey, intii hartayna Cali bin Abii Daalib baa weeraray oo Nahrawaan ku laayay sida inoo iman doonta haddii uu Alle idmo.

Kulankii Labada Xaakim ee Duumatul- Jundal

Taasu waxay ahayd bishii Ramadaan sidiiba horey loogu ballamay, markii labada qolo ay ku qoranayeen warqadda heshiiska goobtii Safiin. Markii la gaaray waqtigii ballanta baa wuxuu Cali diray 400 fardoolley ah oo uu hoggaaminayay Shureyx bin Haannaayi oo uu la socday Abuu Muusa Al Ashcari oo xaakim dhanka Cali ka socda ahaa iyo C/llaahi bin Cabbaas oo uu soo amray inuu ragga salaadda tujiyo.

Mucaawiyana wuxuu soo diray 400 fardooley ah oo uu hoggaaminaya Camr bin Caas (isaga ayaana ahaa xaakimkii ka socday dhanka Mucaawiya), waxaana la socday C/llaahi bin Camr bin Al Caas oo uu Mucaawiya usoo dardaarmay inuu isaga salaadda tujiyo. Waxay labada erga ku kulmeen halkii ay horey ugu ballameen, taasoo ah goobta Duumatul Jandal oo dhacda waqooyiga Jaziiradda. Waxaa la sheegaa in madashaasi ay yimideen rag kamid ah wujuuhdii Muslimiinta, kuwii aanan ka qayb qaadan dhacdooyinkii dagaallada iyo fidnadii dhacday. Waxaana kamid ahaa oo goobtaasi yimid C/llaahi bin Cumar bin Khadaab Allaha ka raalli noqdee iyo C/llaahi bin Zubeyr bin Al Cawaam oo isagu Jamal kadib aanan wax dagaal ah ka qayb qaadan iyo Muqiirah bin Shucbah iyo C/Raxmaan bin Xaarith bin Hishaam Al Makhzuumi. Waxaa kaloo yimid C/Raxmaan bin C/Yaaquuth Az Zuhri iyo Abii Jaham bin Xudeyfah. Waxaa sidoo kale la sheegaa inuu Sacad bin Abii Waqaas ka qeyb qaatay, laakiin waxaa jirta riwaayada dhowr ah oo warkaasi mugdi gelinaya. Waayo Sacad wuu ka fogaaday imaarad iyo xukun iyo fidna intuba wuxuuna degay miyiga Madiina. Waxaa la sheegaa in wiilkiisa Cumar ama Caamir uu u keenay warka in wujuuhdii Muslimiinta iyo rag badan ay kushirayaan goobta Duumatul Jundal, saa isaguna dheg jalaq uma siin oo wuu ka gaabsaday, sida xaqiiqda ahna Sacad ma uusan ka qayb qaadan kulankii Duumatul Jundal.

Muhiimaddu waxay tahay, Labada dhinac markii ay kulmeen ergadii, waxay gedgediyeen aaraadoodii iyo fikradahooda iyagoo la kaashanaya Alle kor ahaayee iyo kitaabkiisa iyo sunnaha Nebigiisa suubban SCW. Waxay isla garteen in maslaxad loo sameeyo Muslimiinta si uusana dhiig dambe oo Muslimiinta dhexdooda ah u daadan, ugu dambeyna waxay isla garteen in Cali iyo Mucaawiyaba la casila. kadibna arrinka laga dhiga shuuro iyo wada tashi ay dadka ku dooranayaan qofka ay doonaan haddii ay Cali ku raalli noqonayaan iyo haddii ay Mucaawiya dooranayaan iyo haddii ay qof kale doortaanba intuba.

Camr bin Al Caas wuxuu tilmaamay in Cali la casila oo Abii Muusa Al Ashcari uu khilaafada udhiibo Mucaawiya kagana raalli noqda, hase ahaatee Abii Muusa Al Ashcari arrinkaas wuu diiday. Wuxuuna Abii Muusa Al Ashcari tilmaamay in masuuliyadda khilaafada loo dhiiba C/llaahi bin Cumar bin Khaddaab. Saa Camr bin Al Caas wuu diiday, wuxuuna tilmaamay In wiilkiisa C/llaahi bin Camr bin Al Caas uu yahay nin taqwa iyo cilmi badan, wuxuuna ka dalbaday Abii Muusa in uu wiilkiisa udhiibo, maadaama uu yahay nin saxaabi jaliil ah oo cilmi iyo kartiba u leh arrinkan. Hase ahaatee Abii Muuse Al Ashcari arrinkaas wuu diiday. Dabadeed waxay ku heshiiyeen oo isla garteen in ay labaduba ka xukun baxaan Cali iyo Mucaawiyaba. Saa way isa soo raaceen oo yimaadeen goobtii dadka joogeen si ay ugu sheegaan wixii ay ku heshiiyeen.

Camr bin Al Caas wuxuu ahaa mid mar waliba iska hormariya Abii Muusa Al Ashcari, haddii ay hadal ahaan lahayd iyo haddii ay socod noqon lahaydba, isagoo arrinkaa ku sharfaya kuna weyneynaya. Markaasuu ku yiri:- Abii Muusa Al Ashcariyoow! istaag oo dadka ogeysii waxii aan isku waafaqnay ee aan isku afgarannay. Markaasuu Abii Muusa Al Ashcari istaagay oo Alle mahadiyey oo amaanay, dabeetana ku salliyey Nebiga SCW, kadibna wuxuu u sheegay wixii ay kusoo heshiiyeen isaga iyo Camr bin Al Caas oo ah inay ka xukun baxeen Cali iyo Mucaawiya, si umaddu ay iyagu u doortaan qofkii ay ku raalli noqdaan, wuxuu yiri:- Haddaba anigu waa aan ka xukun baxay Cali iyo Mucaawiyaba.

Dabadeed Camr bin Al Caas baa kacay oo inta meeshii Abuu Muusa Al Ashcari istaagnaa istaagay buu Alle mahadiyey oo amaanay, dabeetana Nebiga SCW ku salliyey, kadibna wuxuu yiri:- Kani (Abii Muusa Al Ashcari) wuxuu yiri wixii aad maqasheen, wuuna ka xukun baxay saaxiibkiisii, aniguna waan ka xukun baxay sidiisa oo kale (saaxiibkiis Cali), waxaana ku sugnaaday (xukunka) saaxiibkey Mucaawiya (hoostiisa), waana gargaarahii Cuthmaan, wuxuuna doonayaa dhiiggiisii, isagaana dadka ugu mudnaan og booskiisii.

Waxaa la sheegaa in Camr bin Al Caas haddii uu isaguna ka xukun bixi lahaa Cali iyo Mucaawiya sidii uu falay Abii Muusa Al Ashcari oo uu ummaddu imaam la’aan ka tegi lahaa inay fidna tii hore ka weyn dhici lahayd oo dhiig badan daadan lahaa, sidaa darteed buu ku hoos sugnaaday jaallahiisii Mucaawiya. Sidaa buuna ra’yi ahaan iyo fikir ahaan qaatay Camr bin Al Caas, Allaha ka raalli noqdee.

Dabadeed labadii qolo way kala tegeen oo koox waliba dhulkeedii ayay aadday. Camr bin Al Caas iyo raggiisii waxay aadeen dhanka Shaam oo markii ay Mucaawiya u galeen bay kusalaameen salaantii khilaafada (Asalaama calleykum yaa amiirul Mu’miniin). Abii Muusa Al Ashcarina wuu ka xishooday inuu Cali u tego, saa wuxuu aaday Makka. C/llaahi ibnu Cabbaas iyo Shureyx bin Haannaayi iyo ergadiina waxay aadeen dhankii Kuufa, markaasay Cali uga warrameen wixii dhex maray Abii Muusa Al Ashcari iyo Camr bin Al Caas. Reer Kuufana ra’yigii Abii Muusa Al Ashcari, way daciifsadeen, waxayna garteen inaanay isu dhigmeyn isaga iyo Camr bin Al Caas.

Ka Bixiddii Khawaarijta ee Kuufa

Markii Cali uu Abii Muusal Ashcari iyo raggiisii uu udiray Duumatul Jandal si ay heshiiska ugu soo guntaan, baa mowqifkii Khawaarijtu ay Cali ka taagnaayeen uu sii adkaaday, taasuna waxay dhashay in inbadanoo kamid ah raggaasi ay amiirkii Mu’miniinta ee Cali bin Abii Daalib kutilmaamaan gaallima. Sidaa ay tahayna dhulka guudkiisa ma uuna saarneen maalintaa qof ka fadli badan Cali bin Abii Daalib.

Laba nin oo kamid ah Khawaarijta baa Cali utimid, waxaana labadaasi nin lakala oran jiray Zurcah bin Al Baraj Al Dhaayi iyo Xurquus bin Zuheyr Al Sacdi, waxayna ku yiraahdeen:- Majira xukun aanan xukunka Alle ahayn.

Cali wuxuu ugu jawaabay: Nacam! ma jira xukun aanan ahayn xukunka Alle.

Xurquus baa hadlay oo wuxuu yiri:- Kasoo noqo gefkaaga oo inoo wad xagga cadawgayaga (reer Shaam), aanu la dagaallanna si aanu Rabbigayo ula kulanno?

Wuxuu Cali yiri:- Taa waan idinla doonay, waadna diiddeen, annaga iyo qoomkuna waxaan kala qorannay warqad iyo ballan, Illaahayna kor ahaaye wuxuu yiri:- Oofiya ballanka Alle, marka aad ballameysaan. (Suuratu Naxal 99).

Wuxuu yiri Xurquus:- Kaasi waa dembi ay tahay inaad kasoo noqoto (oo aad ka toobad keento).

Wuxuu yiri Cali:- Ma ahan dembi, balse waa cajas ka ahaaday ra’yi.

Zurcah baa hadlay oo yiri:- Ammaa Illaahay baan ku dhaartaye Caliyoow! haddii aadan ka tegin xukuntamka aad labadda nin u xukuntameysa kitaabka Alle dhexdiisa, waan kula dagaallamayaa, anigoo taasi ku raadinaya, naxariista Alle iyo raalli ahaanshahiisa.

Dabeeta way ka tegeen, waxaana dhacday in qisadii taxkiimka labada nin (Abii Muusa iyo Camr bin Al Caas) ay dadkii kudhex faaftay iyadoo nimankii Khawaarijtuna arrinkoodii uu darnaaday oo ay rag badan kasbadeen. Dabeedana waxaa dhacday inay Cali cay iyo aflagaadda isugu daraan mararka ay khudbeynayaan.

Waxaa dhacday maalin Jumca ah baa Cali raggiisii ka dhex istaagay oo u khudbeyay, wuxuuna xusay arrinka Khawaarijta iyo xaalkooda, saa waxaa istaagay koox kamid raggii Khawaarijta, waxayna waxayna kuwada qayliyeen:- Ma jira xukun aanan ahayn xukunka Alle. Calina wuxuu guda galay in gacmahiisa uu marba dhinac u jeediya isagoo lahaa:- Xukunka Allaanu idinla sugeynaa. Misna wuxuu yiri:- Dushayada waxaa ahaaday oo aad nagu leedahiin, inaynaan idiin diidin masaajiddayada, oo aynaan idiin diidin wixii nasiib ah oo aad ku yeelataan (xoolaha) faygan intii gacmahiinu ay la socdaan gacmaheenna, iyo inaynaan idinla dagaallamin jeeraad nala dagaallantaan.

Dabeeta way baxeen khawaarijtii oo waxay ku shireen gurigii C/llaahi bin Wahab Al Raasubi, halkaasoo uu ugu khudbeeyey khudbo aad u xeeldheer oo uu ku amraya inay adduunyada isaga saahidaan iyo in ay amraan wanaagga, xumahana reebaan. Wuxuu kaloo amray inay ka baxaan magaallada Kuufa oo uu isagu ku tilmaamay magaalla dadkeedu daalimiinyahiin, wuxuuna raggiisa usheegay inay aadaan buuraha ama dhanka Madaa’in, oo ay halkaas ka aruursadaan wixii ku feker ah. Xurquus oo kamid ahaa raggii shirkaas ka qeyb galay baa hadlay oo inta Alle mahadiyay oo amaanay kadib, raggiisii amray in adduunyadu ay tahay waxyaroo mataac ah oo laga fogaada. Dabeeta waxaa hadlay Xamzah bin Sinaan Al Asdi oo isaguna ka tirsanaa madaxdii shirka, waxaana hadalladiisii kamid ahaa:- Tolkayoow! Ra’yigu waa sida aad aragteen, xaquna waa sida aad tiraahdeen, ee u wakiisha arrinkiina nin idinka mid ah (madax ahaan).

Waxay u cid direen Zayd bin Xisin Al Dhaay oo kamid ahaa madaxdooda oo ay masuuliyadda u bandhigeen, saa wuu diiday, misna waxay u bandhigeen Xurquus bin Zuheyr oo isagiina diiday, dabeedana waxay u bandhigeen Xamzah bin Sinaan saa isagiina wuu diiday, ugu dambeynna waxay u bandhigeen C/llaahi bin Wahab oo ka yeelay. Mar kale ayay ku kulmeen guriga Zayd bin Xisin Al Dhayi. Ninka kan wuxuu ka dhashay banii Dhayi wuxuuna kasii ahaa banii Sanbus. Wuxuu amray wanaagga oo uu ka reebay xumaha isagoo faray inay sidaa falaan oo dadka wanaagga amraan xumahana ka reebaan, sidoo kale wuxuu kudul akhriyay aayada kamida Quraanka kariimka. Dabeeta nin iyagii kamid ah oo la oran jiray Cabdullaahi bin Sakhbarah Al Sulami baa inta istaagay si daran u ooyay oo iyagii khudba gaaban ujeeday, taasoo uu ku amraya, ka fogaanshaha adduunyada iyo dhaldhalalkeeda iyo ka bixidda magaallada Kuufa, iyo weliba in ay la dagaallamaan Cali iyo asxaabtiisa.

Culamaayi salaf waxay raggaasi khawaarijta ahi ku tilmaameen kuwa ay ka hadlayaan aayadaha 103- 105 ee suuradda Al Kahf.

Ula jeeddadu waxay tahay, kuwa kan ee juhalada ahi ee baadiyeysani, waxay go’aan iyo qorsha qaateen in ay Muslimiinta ka dhex baxaan, oo ay aadaan dhanka Madaa’in, si ay halkaas uga raadistaan cid mad-habtooda qaadata oo iyaga lasafata iyo wixii la fikir noqdaba. Waxay kaloo ku ballameen inay warqada u dirsadaan reer Basra si ay halkaasina uga helaan dad la fikir iyo ra’yi ah. Si ay quwad iyo awood ugu helaan Cali iyo raggiisa.

Zayd bin Xisin baa kula taliyey raggiisa inaanay aadin Madaa’in, waayo wuxuu kusheegay in halkaasi ay joogaan ciidama aad u tira badan oo taabacsan Cali bin Abii Daalib, umana suura galeysa Khawaarijtu haddii ay halkaa tegaan inay kusii dhex noolaadaan. Sidaa darteed waxay aadeen dhanka Nahrawaan. Waxay kaloo warqad u dirsadeen reer Basra guud ahaan wixii raacsan mad-habtooda iyagoo ka dalbanaya inay ugu soo wafdiyaan Nahrawaan.

Magaallada Kuufa waxay kaga baxeen si keli keli ah, si aanay dadka xaalladoodu u ogaan, waxay kaloo faleen inay ka tegaan reerahoodii, aabayaashooda, walaaladooda, wiilasha, hooyooyinka iyo xaasaskuba. Wayna dhaqaaqeen oo ay aadeen Nahrawaan.

Iyagu ma ogo falka ay kusocdaan inuu yahay mid kamid ah dambiyada culculus, waayo waxay ka hoos baxayaan xukunkii ay ku hoos jireen ee ahaa khilaafadii Muslimiinta, iyo weliba cayda iyo aflagaadeynta ay aflagaadeynayaan Cali bin Abii Daalib oo waaga dhulka guudkiisu uuna saarneyn cid ka fadli badan, kagana horreysay Islaamka. Arrimahaasina waxaa u qurxiyey sheydaan oo uga dhigay camal fiican, waana wixii ay ku baadiyoobeen oo adduun iyo aakhiraba ay ku lumeen.

Dagaalkii Nahrawaan & Layntii Khawaarijta

Markii Abii Muusa Al Ashcari uu kasoo gaddoomay xukuntamkii, si toos ah wuxuu aaday Makka isagoo ka xishooday in uu Cali hor tega. Markaa iyada ahi ee Camr bin Al Caas iyo wafdigiisii ay khilaafadii ula laabteen Mucaawiya, Khawaarijtiina ay fashay wixii ay faleen oo ay ka baxeen magaalladii Cali ee Kuufa, Basra iyo Madaa’inna ay u cid dirsadeen baa Cali wuxuu warqad u qoray Khawaarijtii, taasoo uu ugu sheegaya in arrinkii xukuntamka uu ka laabtay, wuxuuna usheegay inuu siday rabeen uu yeelaya oo uu Shaam ku duulaya. Markaas bay usoo jawaabeen iyagoo ku oranaya:- Adigu ma aanad cara gelinin Rabbigaaga, kaliya waxaad cara gelisay naftaada, haddiina aad ku qirtay naftaada gaallima, oo aad toobad usoolaabatay, waanu eegeynaa wixii dhexdayada ahaaday.

Cali markii uu akhriyey warqaddii jawaabtooda wuu ka xumaaday, wuxuuna go’aansaday inuu aada dhanka Shaam si uu ugu duulo kuwa teer iyo markii la doortay ee uu khilaafada qabtay khilaafsan. Magaalladii Kuufa ayuu ka dhaqaaqay oo aaday dhanka Nukheylah isagoo wata ciidan aad u culus oo tiradoodu ahayd 65 000 oo dagaalyahanno ah. Cabdullaahi bin Cabbaas oo magaallada Basra masuul ka ahaana wuxuu usoo diray 3200 fardooley ah. 1500 kamid ah ciidamadaas waxaa hoggaaminayay Jaariyah bin Qudaamah, halka 1700 ka kalena uu hoggaaminayay Abul Aswad Ad- Du’ali. Sidaa darteed ciidamadii uu Cali ugu tala galay inuu reer Shaam ku edbiya waxay noqdeen 68 200 oo dagaalyahanno ah. Markaas buu Cali raggiisii la dardaarmay oo ku booriyey jihaadka, amrayna inay sugnaadaan marka ay cadawga la kulmaan. Iyadoo arrintu sidaa ay tahay oo Calina uu go’aansaday inuu Shaam ku duulo, baa waxaa u yimid war sheegaya in Khawaarijtii dhulka ay fasaadiyeen, oo ay dhiig badan oo Muslimiinta kamid ahina daadiyeen, jidkiina gooyeen, maxaarimtiina xalaashadeen.

Waxyaabahii ay raggaasi Khawaarijta ahi faleen waxaa kamid ahaa inay dileen C/llaahi bin Khabaab bin Arat. C/llaahi wuxuu dhashay noolashii Nebiga SCW, wuxuuna noqday saxaabi Jaliil ah. Waxay qafaasheen isaga iyo xaaskiisa oo xaamila ahayd, markaasay weydiiyeen:- Kuma ayaad tahay?

Wuxuu ku yiri:- Waxaan ahay C/llaahi bin Khabaab saaxibkii Rasuulka Alle SCW.

Waxay ku yiraahdeen:- Inoo sheeg wax aad aabahaa ka maqashay?

Wuxuu yiri:- Waxaan aabahay ka maqlay isagoo leh: Waxaan maqlay Rasuulka Alle SCW oo oranaya:- Waxaa ahaan doonto fidna kan fadhiya uu ka kheyr badan yahay kan u taagan, kan u taaganna uu ka kheyr badan yahay kan u socda, kan usocdana uu ka kheyr badan yahay kan u ordaya.

Gacanta inay qabteen bay horey usii kaxaysteen, asagoo ay xaaskiisiina la socota. Goor uu la socday baa waxaa dhacday in koox kamid ahi raggaasi ay arkeen doofaar ay leeyahiin qaar kamid ah dadkii gaalada ee ahlu dimmaha ahaa ee ku hoos noolaa xukunka Islaamka. Markaas bay seef ku dhufteen oo ay haragga dulooliyeen. Qaarkood baa yiraahdeen:- Maxaad sidaa u fasheen ( adinkoo og ) inuu yahay mid ay leeyahiin ahlu dimmaha?

Way sii socdeen, goor ay socdaan oo C/llaahina uu lasocda ayna dhex marayaan meel beer timireed ah baa haddana mid kamid ah wuxuu dhulka ka qaaday mir timir ah oo soo dhacday, markaasuu afka gashtay. Mid kale baa ku yiri:- Oo ma idin la’aan iyo lacag la aan ( baad afka iska gishaneysaa) ?

Markaasuu iska tufay oo muuna laqin. Sidaa oo ay tahay raggani ay ku weyneyd dilidda doofaarka gaallada iyo cunnida xabbad timir ah oo geed kasoo dhacday haddana waxay wateen C/llaahi bin Khabaab oo ay markaa kurka ka jareen, dabeetana waxay keeneen xaaskiisii oo leh:- Anigu waxaan ahay haweeney xaamilo ah ee ma waydaan Alle ka cabsaneyn? Saa way gowraceen iyana oo dabeeta dooxeen oo kasoo rideen ilmihii ay caloosha ku sidday. Fa innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun.

Arrintaas iyada ahi markii ay gaartay Cali iyo raggiisii, iyagoo markaa go’aankoodu ahaa inay Shaam ku duulaan, baa waxay ka cabsadeen haddii ay Shaam aadaan in kuwaasi makasta ahi ay reerahooda usoo daba maraan oo ay ku falaan sidii ay C/llaahi bin Khabaab iyo xaaskiisii yeeleen oo kale. Dabeeta waxaa la go’aansaday in dhanka Khawaarijta marka hore la aada oo xaalladoodu dhan loo tuuro, kadib markii laga aamin noqdana la aado dhanka Shaam. Ra’yigaas baala qaatay. Markaas buuna Cali udiray dhankooda Al Xaarith bin Murrah Al Cabadiyu. Wuxuuna ku yiri:- Iiga soo warran warkooda iina soo ogoow! xaalkooda. Markii ninkaasi uu u tegay, way dileen oo umaanay kaadinin. Markaas buuna Cali go’aan kama dambeys ah qaatay inuu marka hore ku duulo ayaga ka hor intuusan reer Shaam ku duulin.

Dabeeta Cali wuu dhaqaaqay isagoo maraya dhanka Ambaar, wuxuu dhexda kula kulmay nin faalliye ah, oo ku amray inuuna socon waqti cayiman oo uu isaga usheegay mooyaane, wuxuuna u sheegay haddii uu socda waqti aanan waqtiga uu usheegay ahayn inay dhacaysa in laga guuleysa ama uu guuleysan waayo. Calise uma hoggaansamin arrintaas iyo taladii uu ninka faalliyaha siiyey, wuuna khilaafay, wuuna soconayay markii uu socod u baahda, wuuna degayay markii uu degid damca, waqtigana muu u kala soocanayn.

Wuxuu yiri Cali isagoo ka warramaya sababta uu sidaa u falay:- Waxaan jecleystay inaan dadka u caddeeyo gafkiisa (faalliyaha), waxaana ka cabsaday in (qofka) jaahilku uu yiraahda (hadhowta): Wuxuu ku guuleystay (Cali) haleeliddii iyo sidii uu uwaafaqay (faalliyaha).

Wuxuu Cali hortiisa diray Qeys bin Sacad oo uu u diray dhanka Madaa’in si uu ciidama uga keeno halkaas, magaallada Madaa’inna waxaa xilligaasi masuul ka ahaa Sacad bin Mascuud oo la dhashay Abuu Cubeydah bin Mascuud Ath- Thaqafi (amiirkii ciidamadii Muslimiinta ee dagaalkii Jassar). Kadib Cali wuxuu u cid diray Khawaarijta isagoo ku oranaya:- Inoosoo gacan geliya dadkii dilay walaaladayada, si aan u dilo, dabeetana waan idinka tegayaa oo waxaan aadayaa Carabta (reer Shaam). Waxay iyana u soo direen Cali jawaab ahaan inay yiraahdeen:- Annagoo idil baa dilnay walaaladiin, waana inoo xalaal dhiiggooda iyo dhiiggiinuba.

Dabeeta Cali bin Abii Daalib horey buu ugu socday xaggooda oo waaniyey, oo cabsi geliyey una digay. Intuu utegay buu la hadlay oo waaniyey, balse uma aanay jawaabin, waayo horey bay ku heshiiyeen inaanay Cali la doodin ama la hadlin. Kaliyana hadalkoodu ama weedha ay ku hadaaqayaan mararkaasi oo kale waxay ahayd:- Al ruux Al ruux ilal Jannah.

Kadib Cali waa uu ka laabtay oo ciidankiisii u tegay, saa iyana waxay dhiseen ciidamadoodii, iyagoo midigta udhiibay Zayd bin Xisin, bidixdana waxay udhiibeen Shureyx bin Owfaa, fardooleyduna waxay madax uga dhigeen Xamza bin Sinaan Al Asdi, ciidamada lugtana waxay madax uga dhigeen Xurquus bin Zuheyr Al Sacdi. Waxayna usoo istaageen la dagaallanka Cali iyo ciidamadiisa.

Cali bin Abii Daalibna wuxuu dhisay ciidamadiisii, isagoo midigta madax uga dhigay Xujri bin Cadiyi, ciidamada bidixdana wuxuu udhiibay Shabbath bin Ribciyi iyo Macqal bin Qeys, ciidamada fardooleyda wuxuu madax uga dhigay Abuu Ayuub Al Ansaari, ciidamada lugtana wuxuu madax uga dhigay Abuu Qataadah Al Ansaari, reer Madiina oo markaasi tiradoodu 700 ahaydna wuxuu madax uga dhigay Qeys bin Sacad bin Cubaadah.

Wuxuu kaloo Cali sameeyay calan magan galya ah, wuxuuna u dhiibay Abuu Ayuub Al Ansaari, wuxuuna ku yiri dadka:- Qofkii calankaasi hoostaga waa aamin, qofkii aada Kuufa iyo Madaa’inna waa aamin, mana jirta wax dan ah oo aanu idinka leennahay kuwii walaaladayada dilay mooyaane.

Markii ay Khawaarijtii arrinkaasi aragtay bay kala firxadeen oo kala tegeen, waxaana kusoo haray meesha 1000 nin oo uu hoggaaminaya C/llaahi bin Wahab, markii horena tiro ahaan waxay ahaayeen 4000.

Dabeeta si kama dambeys ah buu Cali ciidamadiisii u dhisay, wuxuuna hor mariyey fardooleydiisii, wuxuuna siiyey dardaarankii ugu dambeeyey oo uu ku yiri:- Ka laabta gacmahiina jeer ay idinku billaabaan. Kadib Khawaarijtii baa timid iyagoo leh:- Ma jiro xukun aanan ahayn xukunka Alle, ar-ruux ar-ruux! ilal Jannah. Dabeetana weerar ayay ku qaadeen fardooleydii horee Cali. Markaa baa gamuunnadii iyo waramadii laysku shiishtay, ciidamadii Calina ay difaac adag galeen oo ay laayeen layn daran. Waxaa la dilay dhammaan madaxdoodii oo uu kamid ahaa C/llaahi bin Wahab, sidoo kalena ay kamid ahaayeen Xurquus bin Zuheyr, Shureyx bin Owfaa iyo C/llaahi bin Sakhbarah As- Sulami, Illaahay ha dulleeyo’e.

Abuu Ayuub Al Ansaari Illaahay ha ka raalli noqdee isagoo inooga warramaya dagaalkii maalintaas wuxuu yiri:- Nin kamid ah Khawaarijta baan ka dusiyey dhabarkiisa waran, markaasaan ku iri:- Ku bishaareyso Naarta cadawgii Alloow!.

Markaasuu yiri:- Waad ogaan doontaa keennii mudnaada gelideeda (Naarta).

Waxaa la sheegaa in asxaabtii Cali laga dilay 7 qofood oo kaliya. Markaas buu Cali dhex maray ciidamadii kadib markii uu ka guuleystay Khawaarijta oo uu laayey. Wuxuu dhex qaaday meydkii isagoo leh:- Hoog idiin gal, dhab ahaan wuu idin dhibay ka idin kediyey.

Asxaabtiisii baa ku tiri:- Oo waakuma amiirkii Mu’miniintoow! kan kadiyey?

Wuxuu yiri:- Waa Shaydaan iyo nafta amarta xumaha, wuxuu ku kediyey yididiilo, oo uu u qurxiyey macaasida.

Dabeeta Cali wuxuu amray in la isu keeno dhaawacyadooda, waxayna noqdeen 400, saa wuxuu u dhiibay ehelladooda, hubkiina wuu qeybiyey.

Al Heytham bin Cadiyi wuxuu ku xusay kitaabka Khawaarijta:- In Cali uusan qeybin wixii uu ka helay Khawaarijta maalintii Nahrawaan, balse wuxuu u celiyey ehelladooda. Wallaahu aclam.

Dabadeed Cali oo ay la socdaan laba nin oo kala ah Abuu Xarrah Suleymaan bin Thumaamah Al Xanafi iyo Rayaan bin Sabrah bin Huudah Al Xanafi baa waxay dhex qaadeen meydkii iyagoo ka dhex raadinaya Duth- Thadyi oo ah nin labada garab dhexdooda ku lahaa buro lamoodo sidii naaska fiiddiisa oo kale, oo leh timo mad madow, waxaa kaloo la sheegaa timo cad cad. Ninkan wuxuu ahaa astaan muujineysay ficilka Khawaarijta, Rasuulka SCW ayaana sii sheegay calaamooyinkiisa. Goor ay Cali iyo labadii nin ee la socotay ay meydka ka dhex raadinayaan ninkaasi, baa waxaa helay Rayaan bin Sabrah.

Cali bin Abii Daalib markii uu arkay ninkii garabka kulahaa burada, sujuud dheer buu la dhacay, isagoo Alle uga mahadnaqaya ficilkii uu sameeyey ee uu ku laayay nimanka Khawaarijta. Rasuulku SCW isagoo tilmaan ka bixinayay nimanka Khawaarijta ahi, wuxuu tilmaamay xilliga ay soo bixi doonaan, iyo meesha ay kasoo bixi doonaan iyo cidda la dagaallami doonto iyo weliba tilmaanta ninkan lagu dilay Nahrawaan. Dhammaan asbaabahaasi oo idil markii la gartay waxaa sii yaqiinisay in kuwa kani ay ahayeen Khawaarij dilkii Duth- Thadyi.

Maxay ahaayeen Khawaarijtu?

Cali bin Abii Daalib ayaa la weydiiyey sida uu xusay Al Haytham bin Caddiyi arrinka Khawaarijta inay yahiin gaalo?

Wuxuu ku jawaabay:- Gaallimay ka cararayaan.

Waxaa la weydiiyey:- Ma Munaafiqiin baa?

Wuxuu ku jawaabay:- Munaafiqiintu ma xusaan Alle, inyar mooyaane.

Waxaa la weydiiyey:- Haddaba maxay yahiin amiirkii Mu’miniintoow!?

Wuxuu ku jawaabay:- Waa walaaladayada oo inagu xad-gudbay, markaasaanu kula dagaallannay xad-gudubkay nagu xad-gudbeen.

Ninka madaxda u ahaa Khawaarijta ee C/llaahi bin Wahab wuxuu ahaa mid sujuuddiisu, sujuudda ay madoobeysay, wuxuu ahaa mid salaad badan oo ku xeel dheeraada sujuudda. Sidaa daraadeed baana loogu laqibay Dul bayinaat. Ayadoy sidaa tahay haddana waxay noqdeen kuwii uu Alle sheegay ee adduun iyo aakhiraba khasaaray oo misna is moodaya inay iyagu camallada hagaajinayaan. Illaahay baa kor ahaaday ee isagu abuurkiisa u sameeyo siduu doono.

Raggani waxay gaalleysiinayeen Cali oo Islaannimo iyo fadliba kaga hormaray agta Alle. Sidoo kale saxaaba badan bay gaaleysiinayeen, Rasuulkuna SCW axaadiis badan buu kaga warramay sifaalahooda, marka arrimahaasi oo idil haddaynu kasoo tegno, axaadiistaasi waxaa laga daalacan karaa kutubta ka hadashay arrinkaasi. Sida ka Haytham bin Caddiyi ee si weyn uga hadla arrinka Khawaarijta iyo asbaabahooda. Wabillaahil Mustacaan.

Markii uu Cali ka faaruqay arrinkii Khawaarijta, buu ciidamadiisii ka dhex istaagay oo u khudbeeyey kuna booriyey inay Shaam aadaan oo ay arrinka Mucaawiya dhan usoo tiiriyaan, sidiiba markii hore horey loogu ballamay. Markaas bay ku andacoodeen in gamuunadii ka dhammaadeen, seefahiina ay ka af beeleen, waxay ka dalbadeen inuu goballadoodii u celiyo oo ay marka hore degaan. Arrimahaasi waxaa Cali kula hadlay Ashcath bin Qeys Al Kindi, markaasay dadkiina isku wada raaceen. Dabeeta waala soo dhaqaaqay jeer la degay Nukheylah. Cali wuxuu amray inay halkaasi ku nastaan oo muddo degnaadaan, ehelladuna soo booqdaan, kadibna ay isu diyaariyaan duullaanka dhanka Shaam. Muddo kadib waxaa dhacday inay ka kala tegeen oo goballadoodii ay aadeen illamaa ay kusoo hareen Cali madaxdii ciidamadiisa oo iyo ciidama yar oo qura.

Cali Khudba aad u xeel dheer buu ujeediyey, oo uu ku boorinaya jihaadka isagoo ku dul akhrinaya aayadaha jihaadka ee ku kala jira suuradaha Quraanka, balse cidi dheg jalaq uma aanay siin, waxayna ukala baxeen dhinacyada oo ay goballadoodii iyo guryahoodii aadeen raggiisii. Sababtuna waxaa la sheegaa inay kaga caroodeen raggii uu Cali kulaayay Nahrawaan ee Khawaarijta ahaa dartooda, waayo waxay kuwaasi ahaayeen qaraabadooda iyo ehelladooda oo ay ayagu u arkayeen inay ahaayeen kuwoodii ugu cilmiga iyo Alle ka cabsiga badnaa. Markaas buu Cali baxay oo uu galay magaalladiisii Kuufa.

Markii uu Cali kasoo laabtay Nahrawaan baa waxaa Basra uga yimid nin la oran jiray Al Xaarith bin Raashid Al Naajiyu. Wuxuu la yimid qowm reer Basra ah, markaasuu Cali u tegay oo uu ku yiri:- Adigu waxaad la dagaallantay reer Nahrawaan, qisadii taxkiimka oo ay kugu diideen darteeda. waxaadna sheeganeysaa in aad reer Shaamna siisay cahdi iyo ballan, iyo inaadan jebineyn ballantaas. Waa kuwa ay labada xaakimba kaa xukun baxeen, dabeetana ay isku khilaafeen in Mucaawiya xukunka loo dhiiba, markaasuu Camr bin Al Caas u dhiibay. Abuu Muusa Al Ashcarina wuu ku diiday arrinkaas. Haddaba adigu waxaad tahay mid ay labaduba ka xukun baxeen siday isku raaceen, aniguna waan kaa hoos xukun baxay, sidoo kale Mucaawiyana waan ka hoos xukun baxay.

Dabeeta ninkan Xaarith waxaa raacay bashar badan oo kamid ah tolkiisa banii Naajiyah iyo dad kale oo badan. Markaasuu Cali u diray Macqal bin Qeys Al Ramaaxi oo wato ciidama culus, saa wuu la dagaallamay oo laayey, in badan oo kalena uu kasoo qafaashay. 500 oo reer banii Naajiya ah ayuu kasoo qafaashay, saa waxaa ka hor yimid nin la oran jiray Abuu Maqles Masqalah bin Hubeyrah ( oo ahaa mid kamid ah masuuliyiintii Cali ee goballada ). Markaasay banii Naajiya uga ash-katoodeen xaallada ay kusuganyahiin Abuu Maqles oo ay ka dalbadeen inuu u gargaaro, saa wuu iibiyey oo uu uballan qaaday inuu Macqal siinayo 500 000 Dirham. Ninkii isagoonan wax lacag ah bixinin buu cararay oo galay Basra. Markaasuu Macqal warqad uqoray C/llaahi bin Cabbaas isagoo usheegaya waxa uu Abuu Maqles falay. C/llaahi bin Cabbaas markii uu weydiiyey, wuxuu Abuu Maqles yiri:- Waxaan u imid inaan lacagtooda kuugu dhiibo. Dabeeta wuu cararay ninkaas oo wuxuu galay Kuufa isagoo u tegay Cali. Markaas bay C/llaahi bin Cabbaas iyo Macqal si wada jir ah warqad ugu direen Cali iyagoo ku ogeysiinaya waxii uu Abuu Maqles falay. Cali markii uu weydiiyey lacagta buu bixiyey 200 000, dabeetana wuu sii cararay oo uu u baxsaday dhanka Shaam, isagoo u tegay Mucaawiyah. Cali wuxuu amray in la xoreeyo banii Naajiyah, wuxuuna sidoo kale amray in la dumiya daartii uu Abuu Maqles ku lahaa Kuufa.

SANADKII 38AAD

Sanadkan dhexdiisa buu Mucaawiya u diray dhanka Masar Camr bin Al Caas, si uu uga qaado gacanta Maxamed bin Abuu Bakar oo masuul uga ahaa dhanka Cali bin Abii Daalib. Sababtu waxay ahayd, markii uu Cali masuuliyadda Masar ka qaaday Qeys bin Sacad baa wuxuu u dhiibay Maxamed bin Abii Bakar, Qeysna wuxuu aaday dhankii Cali oo uu kala qeyb qaatay dagaalkii Safiin iyo kii Nahrawaanba. Cali bin Abii Daalib aad buu uga shallaayay sababtii uu uga casilay Qeys imaaraddii Masar, waayo wuxuu Qeys ahaa mid udhigmay Mucaawiya iyo Camr bin Al Caasba. Taas casilidda Qeys waxaa ku farxay Mucaawiya iyo Camr bin Al Caas iyo raggiisii, balse waxaa uga sii darnaatay markii ay Safiin ku arkeen Qeys oo la safan Cali bin Abii Daalib.

Wuxuu Mucaawiya oran jiray:- Illaahay baan ku dhaartaye Qeys ibnu Sacad la joogidda uu Cali la jooga, waxay iiga caro badantahay isagoo ay la joogaan 100 000 oo dagaalyahanno ah.

Markii uu Cali ka faaruqay dhacdadii Safiin, baa waxaa soo gaadhay war ah in showkaddii Muxammed bin Abii Bakar ay daciiftay, isagii wiil dhalinyaro ahaa darteed, waayo Muxamed wuxuu markaasi jiray da’ ahaan 26 sano ama kudhaw. Sidaa daraaddeed bay reer Masar ka dalbadeen Cali inuu masuul weyn usoo magacaaba Masar. Dabeeto Cali wuxuu damcay inuu Qeys kuceliyo, ma uuna yeeline wuxuu u cid diray Ashtar An- Nukhaci oo markaas shurdada madaxa u ahaa, masuulna ka ahaa Muusal iyo Nuseybiin, markii uu u yimidna wuxuu u diray Masar si uu halkaasi masuul uga noqdo.

Arrintaasi markay gaadhay Mucaawiyah iyo Camr bin Al Caas aad bay uga xumaadeen, waayo horey bay u damaaciyeen inay la wareegaan gacan kuheynta Masar oo ay ka maroojistaan Maxamed bin Abii Bakar. Ninka kan ee Ashtar An Nukhacina wuxuu ahaa nin dagaalyahan ah oo ku xeel dheeraa dagaallada iyo arrimaha militeriga. Sidaa daraaddeed wuxuu mugdi geliyey damacii Mucaawiyah iyo Camr bin Al Caas. Ashtar wuxuu aaday dhankii Masar, nasiib xumase ma uusan gaarin oo dhexda ayuu ku geeriyooday. Arrintaasi markay gaartay Mucaawiya iyo reer Shaam, aad bay ugu farxeen. Markaas buu Cali si dhaqsiya ah warqad ugu qoray Maxamed bin Abii Bakar isagoo kaga raalli noqonaya inuu masuuliyadda Masar sii haya. Markaas iyada ahi ciidamadii Maxamed bin Abii Bakar way daciifeen, waayo waxay loolan ka dhaxayeen kuwii u olaleynayay raadinta dhiiggii Cuthmaan ee Masar kusugnaa, kuwaasoo kusugnaa goobta Kharbataa, oo aanan horeyna Cali ula mubaayacoonin, awooddooduna marba marka ka dambeyso way sii kordheysay.

Arrimahii awooddii reer Kharbataa sii korodhiyey, waxaa kamid ahaa, markii uu dhacay dagaalkii Safiin, kadibna arrintii taxkiimka loo baxay, oo Camr bin Al Caas iyo Abii Muusa Al Ashcari ay ku kulmeen Duumatul Jandal, labada xaakimna ay isku raaceen in laga xukun baxa Cali, kadibna ay isku khilaafeen in Mucaawiya xilka loo dhiibo, dabeetana uu Camr bin Al Caas xilkii udhiibay Mucaawiyah, reer Shaamna markii ay Shaam ku laabteen ay Mucaawiya kusalaameen salaantii khilaafada, intaa kadibna waxaa dhacday oo aan soo xusnay dagaalkii Nahrawaan iyo khilaafkii ay Cali khilaafeen ciidamadiisii. Markaas bay reer Kharbataa awooddoodii adkaatay, oo ay dhaqdhaqaaqyo billaabeen. Taas cagsigeedu ciidamadii Maxamed bin Abii Bakar baa waxaa ku yimid hoos udhac iyo daciifnimo, tiiyoo ay jirtay in Maxamed uu ahaa nin dhalin yaro ah, oo aan maskax iyo cududba ku haggaagi karin Mucaawiyah iyo Camr bin Al Caas, oo laba nin oo maskax badan ahaa.

Markaa iyada ah buu Mucaawiya kulmiyey madaxdiisii, Camr bin Al Caas Al Sahmi, Shuraxbiil bin Samadh, C/Raxman bin Khaalid bin Waliid Al Makhzuumi, Daxaak bin Qeys Al Fihri, Busur bin Abii Ardhaah Al Caamiri, Abul Acwar Al Sulami iyo Xamza bin Sinaan Al Hamdaani iyo qeyrkooda.

Wuxuu Mucaawiya raggaasi kala tashaday inay wajahaan Masar oo ay gacanta ku dhigaan, iyagiina fikirkaas way u riyaaqeen kuna raaceen. Waxayna ku yiraahdeen:- Aad halka aad doonto inaguna waan kula jirnaaye. Markaas buu Mucaawiya masuuliyaddaasi u wakiishay Camr bin Al Caas haddii Masar la furtana wuxuu amray inuu asaga masuul ka noqdo.

Dabeeta Mucaawiya wuxuu warqad u qoray Maslama bin Mukhlid Al Ansaari iyo Mucaawiyah bin Khadiij Al Sakuuni, oo iyagu madax u ahaa ciidamadii ku sugnaa Kharbataa, ee kasoo horjeeday Cali. Kuwaasoo u olaleynayay raadinta dhiigga Cuthmaan bin Cafaan, tiradooduna waxay ahayd 10 000 ama ku dhawaad. Wuxuu Mucaawiyah ku war gelinayay in uu ciidama soo diray, wuxuuna ka dalbaday inay u gargaaraan oo ay soo dhaweeyaan ciidamadaasi. Wuxuu Mucaawiyah warqaddaasi u dhiibay mowla ama adeega u joogay oo la oran jiray Sabiic. Markiina ay warqaddii gaartay Maslama iyo Mucaawiya bin Khadiij, aad bay ugu farxeen, waxayna si dhaqso ah ugu direen warqad jawaab ah oo ay kusoo dhaweynayaan arrinkaas iyagoo u ballan qaaday inay hiil iyo hooba ku taageeri doonaan.

Markaa iyada ah bay ahayd markii uu Mucaawiya u diyaariyey Camr bin Al Caas 4 000 ama 6 000 oo dagaalyahanno ah. Dabeetana wuu la baxay isagoo sagootinaya. Wuxuuna u dardaarmayay cabsida Alle iyo sugnaan iyo amridda wanaagga iyo reebidda xumaha. Sidoo kale wuxuu amray inuu la dagaallama ciddii la dagaalanta, kana haro oo cafiya ciddii ka cararta, iyo inuu dadka ugu yeero heshiis iyo midnimo. Markii uu Camr galay Masar, waxaa ku biiray ciidamadii Kharbataa kusugnaa ee u olaleynayay dhiigga Cuthmaan. Halkaas ayuuna hoggaanka ugu wada qabtay dhammaan ciidamadii oo idil. Dabeetana wuxuu warqad u diray Maxamed bin Abii Bakar isagoo ka dalbanaya inuu masuuliyadda si degan kusoo wareejiya, oo uu isdhiiba. Mucaawiyah bin Khadiijna sidoo kale warqad buu uqoray Maxamed, taasoo uu ugu goodinaya. Markaas buu Maxamed labaduba u qoray jawaab ay kahdaan. Calina uu u diray warqad uu ugu sheegaya xaaladda taagan, iyo in dhanka Mucaawiya ay ciidama culus ka yimideen. Kuwaasoo doonaya inay Masar la wareegaan. Wuxuuna Maxamed ka dalbaday Cali in haddii uu Masar dan ka leeyahay uu cid masuul uga noqota iyo ciidanba uu soo dirsada.

Cali warqad jawaab ah ayuu si deg deg ah ugu qoray Maxamed bin Abii Bakar, isagoo ku war gelinaya inuu sabra oo sugnaada, wuxuuna u sheegay inuu ciidan iyo maalba usoo diri doono. Markaas buu Maxamed ka dhex istaagay ciidamadiisii oo u khudbeeyey kuna booriyay jihaadka iyo sugnaan iyo sabir iyo in lala dagaallamo reer Shaam. Camr bin Al Caas horay ayuu gudaha ugu sii socday Masar, isaga iyo ciidamadiisiiba iyo kuwii kusoo biiray ee horey Masar ugu sugnaa, waxaana lagu sheegay in tiradoodu noqotay 16 000 ama 17 000. Maxamed bin Abuu Bakarna wuxuu la soo dhaqaaqay ciidamadiisii, oo tiro ahaan markaasi ahaa 2 000 oo fardooley ah. Ciidamadiisii horena wuxuu madax uga dhigay Kinaanah bin Bishir. Markaasuu Kinaanah weerar qaaday, wixii uu arkaaba oo reer Shaam ahba laayay illaa uu gaaray Camr bin Al Caas. Dabeeta Camr wuxuu soo diray Mucaawiyah bin Khadiij oo inta gadaal kaga yimid asaga iyo ciidamadiisiiba isweer kusameeyay. Dabeetana intuu jilba dhigtay buu akhriyey qowlka Alle kor ahaaye:

”Nafina uma ay ahaan inay dhimata, idinka Alle mooyaane, waana kitaab la gooreeyay”. Suuratu Aali Cimraan: 145d.

Dabeetana wuu dagaallamay jeer la dilay. Ciidamadii Maxamedna way kala firxadeen. Markaas buu Camr galay magaalladii. Mucaawiya bin Khadiijna wuxuu daba galay raadkii Maxamed. Qof kastoo uu arka ayuu Mucaawiya weydiinayay:- Ma aragteen qof aad garan weydeen? Iyana maya ayay ku oranayeen. Illaa markii dambe uu la kulmay nin oday ah oo uu weydiiyey, markaasuu ninkii ku jawaabay:- Waxaan arkay nin fadhiya khirbaddaasi dhex fadhiya.

Markaas buu Mucaawiya yiri:- Waa isaga! waa isaga! Rabbiga kacabadda ayaan kudhaartaye.

Way ugu galeen oo ay ka soo saareen. Wuxuuna markaasi kudhawaa inuu oon darani la dhinta. C/Raxmaan bin Abii Bakar oo kamid ahaa raggii Camr kala yimid Shaam, baa wuxuu u galay Camr isagoo ushafeec qaadaya walaalkiis Maxamed. Wuxuuna ku yiri:- Ma walaalkey baa la dilayaa? Markaas buu Camr bin Al Caas u cid diray Mucaawiyah bin Khadiij isagoo ka dalbanaya inuu u keeno Maxamed bin Abii Bakar. Markaasuu Mucaawiyah bin Khadiij yiri:- Maye wallaahi, ma waxay dilayaan Kinaanah bin Bishir, oo aan markaas daayaa Maxamed bin Abii Bakar, iyadoo uu kamid ahaa dadkii dilay Cuthmaan?

Istifhaamku waxaa weeye, macnuhu waxay ku noqotay Mucaawiyah bin Khadiij inuu Maxamed nolal ugu geeyo Camr bin Al Caas arrin dhib ah.

Wuxuu Maxamed dalbaday biyo uu cabbo, saa waxaan xusnay in markii godka laga soo saarayayba uu oon darani hayay oo xitaa uu ku sigtay inuu u dhinto. Markiina uu dalbaday biyaha bay u diideen, wuxuuna Mucaawiyah yiri:- Illaahay ima waraabsho, haddii aan dhibic biyo ah ku waraabiyo abad, saa maxaa yeelay, Cuthmaan baad u diiddeen biyaha inuu cabbo, jeer aad disheen, isagoo sooman. Markaasuu Illaahay la kulmiyey miidda aaburan.

Sida uu xusay ibnu Jariir dabeeto Mucaawiyah bin Khadiij waa uu dilay Maxamed, kadibna wuu gubay. Arrintaasi markay gaadhay Caa’isha bint Abii Bakar aad bay uga jiriracootay oo ay uga xanuunsatay, wayna ka murugootay, waxayna kafaalla qaadday carruurtiisii oo uu ku jiray Al Qaasim. Wallaahu aclam.

Al Waaqidi wuxuu xusay in ninkii sheegay halka uu Maxamed ku dhuuntay uu ahaa nin la oran jiray Jablah bin Masruuq. Wallaahu aclam. Sidoo kale wuxuu Waaqidi kusheegay waqtigaasi inay ahayd bishii Safar ee sanadkan.

Bishii Shacbaan ee sanadkan ayuu Camr bin Al Caas warqad u diray dhankii Mucaawiyah bin Abii Sufyaan isagoo kula socodsiinaya, wixii dhacay iyo in Illaahay u furay Masar, oo ayna u soo laabteen daacadda iyo maqal iyo adeecidba, wuxuuna usheegay in ay hoggaansameen oo ay qaabileen midnimada.

Markii Cali uu gaaray warka ah in la dilay Maxamed bin Abii Bakar, Masarna ay gacanta u gashay Camr bin Al Caas, buu arrintaasi ka xanuunsaday. Markaas buuna raggiisii ka dhex istaagay oo ku booriyey inay sabraan oo adkeystaan oo ay ku dhaqaaqaan dhanka reer Shaam, wuxuuna kula ballamay Al Jircah oo ah meel u dhaxaysa Kuufa iyo Xiira. Markii subaxii la gaaray buu Cali ka dhaqaaqay magaalladii Kuufa oo degay Jircah. Balse cidi uma aysan soo bixin kamid ah ciidamadii. Kaliya waxaa la socday dadkiisii iyo qaar kamid ah madaxdiisa. Markii la gaadhay habeenkii buu isugu yeeray madaxda. Waxay usoo galeen isagoo murugeysay. Markaasuu inta istaagay u khudbeeyay, khudbo ay ku dheehantahay murugo, oo aad u xanuun badan. Wuxuu Cali weydiiyey isagoo wax walba oo hanti ah siiyo, oo aanan waxba ka hagran, aaraadooduna qiimeeyo, waxa ay u maqli la’yahiin oo aysan u adeeceynin amaradiisa. Iyadoo Mucaawiya ay raggiisu adeecaan siismo la’aan uuna waxbana siinin.

Maalik bin Kacab Al Awsi ayaa istaagay, oo dadkii ku booriyey jihaadka iyo maqlidda amiirka Mu’miniinta iyo inay adeecaan oo ay qaataan amarradiisa. Dabeeta waxaa isu soo kacday 2000. Markaasuu Cali madax uga dhigay raggaas Maalik bin Kacab, wuxuuna amray inuu aado dhanka Masar. Waxyar kadib waxaa yimid qaar kamid ah ciidamadii Maxamed bin Abii Bakar ee ku kala firxaday Masar qaar kamid ah, oo Cali uga waramay sidii ay wax u dhaceen iyo dilkii Maxamed bin Abii Bakar, iyo in masuuliyaddii Masar ay gacanta ugashay Camr bin Al Caas.

Maalik waa uu dhaqaaqay wuxuuna aaday dhankii Masar, balse dhaxda ayuu kasoo laabtay. Sababtuna waxay ahayd wuxuu ka cabsaday ciidamadii Shaam oo kusoo baxay ka hor intuuna gaarin Masar. Xaaladdii Ciraaqiyiintuna waxay noqotay inay Cali khilaafaan, haddii uu amra bixidna aanay bixin, amaraddiisuna aanay qaadan. Markaas buu Cali warqad u qoray C/llaahi bin Cabbaas oo masuul ka ahaa Basra, isagoo uga eed sheeganaya xaallada qallafsan ee lasoo deristay iyo dhibta haysata iyo diidmada iyo amar qaadasho la’aanta uu raggiisii kala kulmo mar alliyoo uu amar siiyo. Markaas buu C/llaahi bin Cabbaas ka soodhaqaaqay magaalladii Basra oo aaday dhankii Cali iyo magaalladii Kuufa, si uu uga tacsiyeeyo dilkii Maxamed bin Abii Bakar, oo uu waaniyo, talooyin wax ku ool ahna uu u siiyo. Magaalladii Basra wuxuu kusii dhaafay Ziyaad bin Abiih.

Waqtigaas isaga ahi buu Mucaawiya bin Abii Sufyaan warqad u dhiibay C/llaahi bin Camr Al Xadrami si uu reer Basra ugu dul akhriyo oo uu ugu yeero inay ku istiqraaraan wixii uu xukmiyey Camr bin Al Caas oo ah in khilaafada uu qabta Mucaawiyah. Markii C/llaahi bin Camr Al Xadrami uu tegay magaalladii Basra wuxuu ku degay deegaanka banii Tamiim oo uu magan galyo weydiistay. Ziyaad baa inta ku kacay u diray Acyan bin Dubeycah iyo ciidama uu hoggaaminaya. Saa waxaa dhex maray dagaal lagu dilay Acyan. Markaas buuna Ziyaad warqad u qoray Cali, isagoo ogeysiinaya wixii Basra ka dhacay, kadib markuu ka baxay C/llaahi bin Cabbaas. Dabeeto Cali wuxuu soo diray Jaariyah bin Qudaamah Al Tamiimi oo hoggaaminaya 500 oo qoomkiisa banii Tamiim ah. Markaasuu Jaariya warqad u qoray tolkiisa banii Tamiim, wixii raacay C/llaahi bin Camr Al Xadrami, saa badankoodii way kasoo laabteen. Markaas buu Jaariyah dhaqaaqay oo dul tegay daartii ay ku jireen Ibnu Xadrami iyo raggiisii oo tiradoodu lagu sheegay 40 ama 70. Saa go’doomin buu ku qabtay, markaasuu ku gubay kadib markii uu u cududaaray una digay oo ay ajiibi waayeen.

Ibnu Jariir wuxuu xusay masuuliyiintii goballada in sanadkan ay ahaayeen Quthum bin Cabbaas oo Cali masuul uga ahaa magaallada Makka, walaalkiis Cubeydullaah bin Cabbaas oo Cali Yeman masuul uga ahaa, iyo walaalkood C/llaahi bin Cabbaas oo Basra masuul uga ahaa, iyo walaalkood Tamaam bin Cabbaas oo Madiina masuul uga ahaa. Khuraazaan-na waxaa masuul uga ahaa Khaalid bin Qurrah Al Yarbuuci.

Masar waxay gacanta ugashay Mucaawiya, waxaana masuul uga ahaa Camr bin Al Caas. Shaam-na guud ahaan waxay hoos imaneysay Mucaawiyah bin Abii Sufyaan Illaahay haka raalli noqdee.

Sahal bin Xaniif Al Ansaari oo saxaabi Jaliil ahaa, kana ag dhawaa Cali, maqaam aad u sarreeyo iyo meel wanaagsanna u joogay baa sanadkan geeriyooday Illaahay haka raalli noqdee. Magaalladii Kuufa ayuu ku geeriyooday. Cali ayaana ku tukaday, isagoo janaasadiisii takbiirsaday shan, waxaa kaloo la yiri lix takbiir. Wallaahu aclam. Waxaa sanadkani dadka xajiyey sida uu Ibnu Jariir xusay Quthum bin Cabbaas oo magaallada Makka masuul ka ahaa.

SANADKII 39AAD

Sanadkan dhexdiisa ayuu Mucaawiyah diyaariyey ciidama culus, oo uu u kala diray cirifyada macaamilada dhulka uu Cali maamulo. Si ay halkaasi howlgallo uga soo fuliyaan. Sababihii dhaliyay howlagalladaasina waxaa kamid ahaa in Mucaawiyah markii uu Camr bin Al Caas masuuliyadda u dhiibay uu is tusiyey inuu isagu yahay amiirka Mu’miniinta iyo Khaliifkii Muslimiinta. Sidaa darteed buu darafyada Ciraaq u diray ciidama badan, si asaga ay ugu hoggaansamaan oo dhulalkaasi oo idil uu u tamkiiniyo.

Sidaa daraadeed howlagalladii uu dirayay sanadkan waxaa kamid ahaa

Diriddii Nucmaan Bin Bashiir

Sanadkan dhexdiisa ayuu Mucaawiyah diray Nucmaan bin Bashiir oo hoggaaminaya 2000 oo fardooley ah, wuxuuna u diray dhanka Caynu Tamar. Waxaana halkaasi masuul ka ahaa Maalik bin Kacab, oo ka socday dhanka Cali, oo ay markaasi la joogeen 1000 fardooley ah. Markii ay ciidamadii Maalik maqleen soo galootiga reer Shaam, bay kala firxadeen oo ay kala carareen. Waxaana kusoo haray Maalik agtiisa wax dhan 100 nin. Markaa iyada ahi buu Maalik bin Kacab warqad u qoray dhankii Cali bin Abii Daalib isagoo xaallada la socodsiinaya, kana dalbanaya gurmad. Markiina Cali ay u tagtay warqaddii wuxuu ka dhex istaagay raggiisii, oo u khudbeeyey kuna booriyey jihaadka iyo in loo gurmado Maalik bin Kacab iyo raggiisa 100 ahi, balse cidi dheg jalaq uma siin, manay qaadan amaradii amiirka Mu’miniinta.

Nucmaan bin Bashiir wuxuu galay Cayn Tamar, waxayna is heleen Maalik bin Kacab oo diriri dhex martay, sidaa oo ay tahayna ciidamada Maalik waxay ahayeen 100 nin oo qura, oo weliba seefahoodu ay jajabanyahiin. Waxyar kadib waxaa yimid rag ka socda dhanka Miqnaf bin Sulaym oo dhan 50 fardooley ah, oo uu hoggaaminaya wiil uu dhalay Miqnaf bin Sulaym. Saa markii ay reer Shaam arkeen baa waxay moodeen ciidama gurmad culus ah, oo ka yimid dhanka Cali, markaasay kala carareen oo dhankii Shaam u jiheysteen. Maalik kama uusan harine wuu sii eryaday oo firxadkoodii ka laayay saddex nin oo kamid ah. Intii kalena Shaam bay oran ku galeen, iyagoonay u suuro gelin hadafkoogii iyo ula jeeddadii ay u yimideen.

Sidoo kale howlgalladii uu Mucaawiyah fuliyey sanadkan waxaa kamid ahaa:

Diriddii Sufyaan Bin Cowf

Wuxuu u diray isagoo hoggaaminaya 6000 fardooley ah inuu tago Hayt, oo uu dooxateeyo, kadibna uu uga gudbo Anbaar iyo Madaa’in. Markaas buu dhaqaaqay Ibnu Cowf jeer uu gaaray Hayt. Cidina kalama uu kulmin la dagaasho halkaas, wuxuuna uga sii gudbay Anbaar oo ay kusugnaayeen 500 oo kamid ah ciidamadii Cali. Markii ay raggaasi maqleen soo galootiga Shaamiyiinta, bay kala firxadeen oo waxaa kaliya oo kusoo haray magaalladii 100 nin. Waxaa labada qolo dhex maray dagaal, iyadoo ay qolada Cali tira yari aad u daran kusuganyahiin. Sidaa oo ay tahay waa ay sabreen oo dirireen dirir daran, jeer la dilay 30 kamid ah oo uu ku jiray amiirkooda oo la oran jiray Ashras bin Xassaan Al Balawi. Dabadeed ciidamadii reer Shaam ee uu hoggaaminayay Ibnu Cowf, waxay aruursadeen wixii hanti ahaa oo yiillay beytul maalka Anbaar, iyo hub, kadibna waxay u boqaaleen dhankii Shaam oo ay dib ugu laabteen.

Warkaasi markii Cali uu gaaray, naf ahaantiisii baa ka dhaqaaqay magaalladii Kuufa oo aaday dhankii Shaamiyiinta, wuxuuna degay Nukheylah. Markaasay raggiisii ku yiraahdeen:- Amiirkii Mu’miniintoow! innagaa kaaga filnaaneyna?

Wuxuu ugu jawaabay:- Iigama filnaaneysaan, nafihiinana ugama filnaaneysaan.

Dabeeta Sacad bin Qeys, baa daba galay raadkii Shaamiyiinta, oo daba eryaday jeer uu gaaray Hayt, balse muuna haleelin oo hortiis ayay Shaam galeen, kadibna wuu soo laabtay.

Diriddii Cabdullaahi Bin Mascadah Al Fazaari

Sidoo kale sanadkan buu Mucaawiyah diray C/llaahi bin Mascadah Al Fazaari oo hoggaaminaya 1700 fardooley ah, wuxuuna u diray dhanka Taymaa, oo amray inuu saddaqada kasoo aruuriya dadka reer miyiga ah, ciddii diidana wuxuu amray inuu la dagaallo. Dabeetana uu u gudba oo galo Makka iyo Madiina, oo guud ahaan Xijaas oo idilna uu soo maro.

Markaas buu dhaqaaqay C/llaahi bin Mascadah oo uu galay Taymaa. Halkaasoo ay ugu kulmeen dad aad u badan. Arrintaasi markii uu Cali ka war helay baa wuxuu ku diray Al Musayb bin Nujaybah Al Fazaari oo hoggaaminaya 2000 oo dagaalyahanno ah, suu dagaal ku dhex maray Taymaa, oo ay dirireen jeer cadceeddu suushay.

Ibnu Mascadah iyo qaar kamid ah tolkiisa, baa waxay galeen qalcad halkaasi ku tiillay oo ay dhufeys ka dhigteen. Intii kalee ciidamadii reer Shaam ahaydna way kala firxadeen oo Shaam bay u gaddoomeen. Markaas buu Al Musayb go’doomin ku qabtay qalcaddii uu Ibn Mascadah ku jiray oo ku hayay illaa saddex casho. Dabadeed xaabo ayuu soo aruriyey oo ku guray qalcadda, kadibna dab ku shiday si uu u gubo. Markaas buu ibnu Mascadah riximka iyo wada dhalashada ku tawasulay oo ku calaacalay. Markaas buu Al Musayb dabkii demiyey . Saa markii la gaaray habeenkii buu albaabkii qalcadda furay oo iyana intay kasoo baxeen u carareen dhankii Shaam.

C/Raxmaan bin Shabiib oo kamid ahaa ciidamadii Al Musayb baa ku yiri Musayb:- Maad ka daba tagto (oo aad layda)?

Wuxuuse Al Musayb ku jawaabay:- May

Diriddii Daxaak Bin Qeys Al Fihri

Sidoo kale sanadkan buu Mucaawiyah diray 3000 oo uu hoggaaminaya Daxaak bin Qeys Al Fihri. Wuxuuna amray inuu dooxateeyo ciidamada kusugan daafaha dhulka uu maamulo Cali. Sidaa daraadeed buu Cali markuu ka war helay arrintaasi diyaariyey Al Xujur bin Caddiyi iyo ciidama 4000 ah oo uu hoggaaminaya. Saa mid kastoo kamidi ciidamadaasi wuxuu siiyey 50 Dirham. Markaa bay labadii qolo isku heleen goobta Tadammur, oo diriri dhex martay.

Xujr bin Caddiyi baa ka laayay ciidamadii Shaamiyiinta ahaa 19 kamid ah, isagiina raggiisa waxaa laga dilay laba nin oo qura. Habeenkii baa kala dhex galay labada qolo, markaasay kala weecdeen. Saa Daxaak iyo raggiisiina ay orad ku galeen Shaam.

Sidoo kale sanadkan dhexdiisa ayuu Mucaawiyah naf ahaantiisa dhaqaaqay isagoo hoggaaminaya ciidamada aad u culus, jeer uu gaaray webiga Dajlah. Dabadeedna waa uu laabtay, oo Shaam buu galay isagoonan wax dagaal ah falin.

Wilaayadii Ziyaad Bin Abiih ee Dhulka Furus

Sanadkan dhexdiisa ayuu Cali bin Abii Daalib u wakiishay masuuliyadda dhulka Furus Ziyaad bin Abiih. Sababtuna waxay ahayd, markii Jaariyah bin Qudaamah uu Basra ku laayay Ibnu Xadrami iyo raggiisii, baa arrintaasi waxaa ka xumaaday dad badan oo kamid ah kuwii Islaamka ku hoos noolaa ee jisyada dhiibayay iyo khalqi kaloo kamid ah Muslimiintii halkaasi deganaa. Markaas bay diideen inay bixiyaan jisyo iyo inay ku hoos noolaadaan Islaamka. Wayna u caroodeen Cali oo ay ka hoos baxeen daacadiisa.

Markaas buu Cali raggiisii igu yeeray si uu kala tashto ciddii uu u diri lahaa dhulka Furus masuul ahaan. Saa C/llaahi bin Cabbaas iyo Jaariyah bin Qudaamah baa waxay soo jeediyeen in loo dira Ziyaad bin Abiih, waayo wuxuu ahaa nin ra’yi iyo go’aan adag leh, oo arrimaha bulshada iyo siyaasadduna si wacan ugu xeel dheeraa.

Markaas buu Cali u wakiishay Ziyaad dhulkaas Furus iyo Karmaan oo uu weliba ugu daray inuu masuul ka noqdo. Wuxuuna u diyaariyey ciidama culus oo tiro ahaan ah 4000. Saa sanadkan buu dhaqaaqay oo galay Furus, kadibna wuu la dagaallamay jeer ka adkaaday, oo ay kusoo noqdeen daacaddii iyo midnimadii oo ay kusoo laabteen wixii ay horey uga baxeen.

Taa ka hor Furus markaas, waxay ahayd masuul la’aan, waayo horey waxaa masuul uga ahaa Sahal bin Xaniif illaahay haka raalli noqdee. Markiina ay reer Furus ku inkireen daacadda iyo midnimada amiirkii Mu’miniinta ee Cali bin Abii Daalib, bay iska soo eryeen masuulkii halkaasi Cali u joogay oo ahaa Sahal bin Xaniif sanadkii 38aad ee Hijriga. Markaas buu Sahal tegay Kuufa oo uga warramay arrintaasi Cali. Dabadeedna waxyar kadib isla sanadkaas ayuu Sahal ku geeriyooday magaalladii Kuufa, sidaynu soo xusnayba.

Al Waaqidi wuxuu xusay in sanadkan uu Cali mawaasimta xajka u diray C/llaahi bin Cabbas si uu dadka u xajisiiyo. Mucaawiyana wuxuu soo diray Yaziid bin Sakhbarah Al Ruhaawiyu, si uu dadka u xajisiiyo. Markii ay labadani masuul ku kulmeen magaalladii Makka, baa mid waliba wuxuu diiday in masuuliyaddii loo soo wakiishay uu kan kale u daayo. Saa waxay isula tegeen Sheybah bin Cuthmaan bin Abii Dalxa Al Cabdidaari oo dadkii sanadkaasi xajisiiyey.

Abul Xassan Al Madaa’ini wuxuu xusay in C/llaahi bin Cabbaas uuna mawaasimta xajka tegin, intii Cali la doortay jeer la dilay. Wuxuuna xusay inuu ahaa Quthum bin Cabbaas kii ay mawaasimta kudoodeen Yaziid bin Sakhbarah.

Wuxuu Ibnu Jariirna yiri:- Sida uu Abul Xassan yiri ayuu Abuu Muscabna yiri.

Wuxuu kaloo xusay in madaxdii goballadu ay ahaayeen sidii sanadkii hore, marka laga reebo Basra oo C/llaahi bin Cabbaas uu ka tegay oo uu ka aaday Kuufa iyo Furus iyo Karmaan oo uu madax ka noqday Ziyaad bin Abiih.

SANADKII 40AAD

Sida caanka ahi, sanadkan waa sanadkii la dilay amiirkii Mu’miniinta ee Cali bin Abii Daalib Illaahay ha ka raalli noqdee. Waana xusi doonnaa hadduu Alle idmo sifadii dilkiisa. Balse aynu marka hore ku hor marno dhacdooyinkii sanadkan 40aad ee Hijriga dhacay.

Diriddii Busur Bin Abii Ardhaah

Ninkan Busur bin Abii Ardhaah, wuxuu ahaa mid kadhashay banii Caamir bin Lu’ayi oo Qurashi ah. Mucaawiyah ayaa sanadkan u diray dhanka Xijaas isagoo hoggaaminaya 3000 oo dagaalyahanno ah. Markaas buu ka dhaqaaqay Shaam jeer uu tegay magaalladii Madiina, oo markaas uu Abuu Ayuub Al Ansaari madax uga ahaa dhanka Cali. Abuu Ayuub wuu cararay oo Kuufa ayuu Cali ugu tegay. Busurna magaalladii Madiina ayuu galay isagoonan cidi la dagaallamin, oo koray mimbarkii una khudbeyey dadkii. Wuxuu ka dalbaday in loo keeno Jaabir bin C/llaahi Al Ansaari.

Wuxuu yiri Busur isagoo mimbarka dul saaran:-Reer Madiinoow! Illaahay baan ku dhaartaye, haddii uuna Mucaawiyah ila ballami lahayn, magaallada Madiina kuma daayeen qof qaan gaaray, illaa waan dili lahaa.

Dabeeta dadkii reer Madiina ayuu la mubaayacooday. Kadib intuu ku jeestay xaggooda ayuu ku yiri:- Illaahay baan ku dhaartaye kuma lihidiin agteyda wax magangalyo ah iyo mubaayaco tooni, jeer aad ii keentaan Jaabir bin C/llaahi Al Ansaari ( Macnaha si uu ula mubaayacooda ).

Jaabir wuxuu u tegay hooyadii Mu’miniinta ee Ummu Salama, wuxuuna ku yiri:- Maxaad ra’yi haysaa? Anigu waxaan ka cabsan in la idilo, tanina waa bayco baadi ah.

Waxay ugu jawaabtay:- Waxaan qabaa inaad la mubaayacoota, waayo anigu waxaan amray wiilkeyga Cumar, iyo wiilka aan soddohda u ahay ee Cabdullaahi bin Samcah ah inay la mubaayacoodaan.

Cabdullaahi bin Zamcah wuxuu qabay gabadhii Ummu Salama oo la oran jiray Saynab bint Abii Salama. Markaas buu Jaabir dhaqaaqay oo u tegay Busur, deedna la mubaayacooday.

Dabeeta Busur waa uu dhaqaaqay oo wuxuu aaday dhankii Makka. Abii Muusa Al Ashcari oo halkaas kusugan baa isaguna naftiisa u cabsaday markuu Busur Makka, yimid, wuxuuna ka cabsaday inuu dilo. Markaasuu Busur yiri:- Ma ahi mid ku falo sidaas saaxiibkii Rasuulka Alle SCW.

Wuuna iska daayay. Taas ka hor Abii Muusa Al Ashcari wuxuu warqad u qoray reer Yeman, isagoo ogeysiinaya in ciidama ka yimid dhanka Mucaawiyah ay kusoo jiheysanyahiin xaggooda. Dabadeed Busur wuu dhaqaaqay oo wuxuu aaday dhankii Yeman. Goortaa iyada ahi, waxaa Yeman masuul ka ahaa Cubeydullaah bin Cabbaas bin Cabdimudallib oo dhanka Cali ka socday. Cubeydullaah markii uu arrintaasi ka war helay waa uu cararay oo Kuufa ugu tegay Cali. Yemanna wuxuu ku dhaafay Cabdullaahi bin Cabdullaahi bin Al Maddaan Al Xaarithi.

Busur markii uu galay Yeman wuxuu dilay masuulkii halkaas, iyo wiil uu dhalay. Sidoo kale wuxuu dilay laba wiil oo yaryar oo uu dhalay Cubeydullaah bin Cabbaas. Kuwaasoo lakala oran jiray C/Raxmaan iyo Quthum. Waxaa la yiraahdaa Busur, wuxuu laayay khalqi badan oo kamid ah dadkii taabacsanaa Cali bin Abii Daalib ee uu dhexda kula kulmaba, iyo weliba kuwii uu Yeman kula kulmay.

Cali markii uu warkaasi gaaray wuxuu soo diray Jaariyah bin Qudaamah oo hoggaaminaya 2000 oo dagaalyahanno ah, iyo Wahab bin Mascuud oo isaguna hoggaaminaya 2000 oo dagaalyahanno ah. Saa Jaariyah wuu dhaqaaqay jeer uu tegay Najraan oo gubay, dilayna dad badan oo kamid ah ciidamadii Busur iyo wixii taabacsanaa. Busurna wuu cararay asaga iyo asxaabtiisii oo waxay galeen Makka. Markaasuu Jaariyah ka daba tegay oo ku yiri:- Dhiiba baycada?

Saa waxay yiraahdeen:- Oo yaan la mubaayacoonnaa iyadoo uu dhintay amiirkii Mu’miniinta?

Wuxuu yiri:- Waxaad la mubaayacootaan qofkii ay asxaabtii Cali la mubaayacoodeen.

Dabeeto way ku cuslaatay, kadibna waa ay la mubaayacoodeen si cabsi ah. Intaa dabadeed Jaariyah waa uu dhaqaaqay oo galay magaalladii Madiina, oo markaasi uu salaadda dadka tujinayay Abuu Hureyrah. Saa Abuu Hureyrah wuu cabsaday oo cararay. Dabadeed Jaariyah wuxuu amray dadkii reer Madiina inay Xassan la mubaayacoodaan, saa way la mubaayacoodeen oo isagii baa baycda uga qaaday. Kadibna hal maalin ayuu la joogay, oo intaa dabadeed u boqaallay dhankii Kuufa. Abuu Hureyrana tujintii salaadda ayuu dib ugu laabtay, oo isaga ayaa sii tujin jiray.

Sanadkan dhexdiisa baa Cali iyo Mucaawiyah ay ku heshiiyeen in qof waliba uu gobalkiisa ku ekaado oo uu istiqraariyo, la iskana daayo weerarrada iyo dagaallada joogtada ahi. Sidaa ayayna kuwada raalli noqdeen.

Dilkii Amiirka Mu’miniinta ee Cali Bin Abii Daalib

In Cali la dili doono oo uu shahiid yahay Rasuulka SCW ayaa horey usii sheegay. Waxaynu xasuusannaa in Cali uu ahaa Khaliifkii u dambeeyey khulafadii Islamka ee fadhigoodu ahaa magaallada Madiina.

Rasuulkeenna suubban SCW isagoo inooga warramaya in Cali la dili doono, baa wuxuu yiri:- Dad waxaa ugu shaqisan, ninkii boqno gooyey hashii (Nebi Saalix CS) iyo kan ku dili doono Caliyoow!.

Waxuu dunida ka hoyday oo uu Rabbiga xagiisa aaday kadib markuu xukunkii hayay muddo 5 sano oo dhiman saddex bilood, macnuhu waa 4 sano iyo 9 bilood iyo 6 casho ama 3 casho.waxana dilay Nin khawaarijta kamid ah oo la oran jiray Cabduraxmaan bin Camr oo loo yaqan Cabduraxman bin Muljim Al Kindi Al Xumeyri. oo xaliif la ahaa banuu Xaniifaha dega Masar, waxuuna ahaa nin midib maariin ah oo tima jilacsan oo wejigiisuna ay kamuuqato raadkii sujuudda salaad darteed. Waxa jiray laba kaloo khawaarijta kamid ah oo ay wada tashteen Cabduraxman bin Muljim oo kala ahaa Al Baraak bin Cabdullaahi Al Tamiimi iyo Camr bin Bakar Al Tamimi. Waxay saddexdani go’aansadeen inay dilaan Camr bin Al Caas, Cali bin Abii Daalib, iyo Mucawiyah bin Abii Sufyaan. Markaas buu ibnu Muljim yiri ::-Aniga waxaan idinkaga filnaan Cali oo aniga ayaa soo dilayaa, markaas buu Al Baraak bin Cabdullaahi yiri:-Aniguna Mucaawiya baan soo dili. Halka Camr bin Bakarna uu yiri:-Anigana waxan ku filnaan doonaa Camr bin Al Caas oo aan soodili. Waxayna isku dhaarsadeen inuusan ninna soo laaban inuu soodila ninkii loodiray ama uu isaga dhinta mooyaan, wayna kala tegen, oo waxayna kuballameen in habeenka 17 ay tahay bisha Ramadan uu mid waliba qaarajiyo ninkiisi mowcid layaqaan. Ibnu Muljim wuu baxay waxuuna aaday Kuufa, wuuna qarsaday arrinkiisi oo cidna umuusan sheegin. Maalin isagoo lafadhiyo khawarijtiisii gole fadhi oo ay lahayeen Banuu Taym Ar-Rabbaab, oo ay ka sheekeysanayeen khawaarijtii uu Cali kulaayay Nahrawaan ayaa waxa u timid haweeney la oran jiray Qidaam bint Shajnah taasoo Cali uu kudilay aabaheed iyo walalked Nahrawaan. Waxayna ahayd haweeney qurux Illaah u dhameyay oo aad iyo aad u qurxan, dhexdooduna caan bay ka ahayd. Markiina uu arkay haweeneydaasi Ibnu Muljim caqligisi dhan bay la tegtay oo arrintuu uscoday dhan (inuu Cali soo dilo ) wuu ilaaway. Markaas buu doontay si uu uguursada waxayna ku xirtay shuruud ah inuu soo dilo Cali, waayo aabahed iyo walaalkeed oo Khawaarij buu dilay oo uu kudilay Nahrawaan. Markaas buu yiri Ibnu Muljim:- Oo ma intaas baa? walaahi inaanan dhulkaan u imaanin wax kale arrinkaas mooyaan.wuuna baxay kadib isagoo wajahaya sidu ku dili laha Cali .Waxayna kudartay nin banuu Rabaaab ah si uu arrinkaas ugu booriyo, ninkaasoa la oran jiray Wardaan Al Rabaabi. Kadib waxuu Ibnu Muljim utegay ninkaloo la oran jiray Shabiib bin Najad Al ashjaci.

Waxuuna ku yiri:- Shabiboow ma dooneysa in kheyrka dunida dhan lagugu sheego oo lagugu xasuusta? Waxuu yiri:- Oo waa maxay arrinkas?

Waxuu yiri:- Waa dilka Cali.

Waxuu yiri Shabiib:- Hooyada kuweydaye Ibnu Muljimoow! arrin baad la timid, oo sidee baad ku awooddaa inaad sidaa fasho?

Waxuu yiri:- Waad iraacee oo salaaada mugdiga ah (Cisho ama subax) baan masjidka ugu dhakaneynaa oo aan seefta ka dul rideynaa, kadib haddii uusan dhiman waan carareyna oo nafaheenan la fakaneyna waxaana abbaareynaa dadkeenii (Khawaarijta ahaa), haddii aan dilnana waxaa Alle agtiisa yaal baa inooga kheyr badan dunida dhan.

Waxuu yiri Shabiib:- Hoogaagee hadduusan Cali ahayn qofka aad sidaas kusameyneso way fududaan laheyd, war waxaan ogahay Islaannimada uu kaaga horeyay iyo qaraabanimadiisa xagga nabiga SCW. Arrinka aad wado Ibnu Muljimoow! laabteyda boos ugama banaano.

Waxuu yiri Ibnu Muljim:- Oo miyaadan ogeyn siduu u laayay dadkii Nahrawaan?

Markaas buu yiri Shabiib:- Haaheey oo waan ogahay taasi.

Markaas buu Ibnu Muljimna yiri:- Haddee Aynu dilno hadaba waxaan udilaneynaa walalaheennii uu dilay.

Shabiib wuu ka aqbalay intaas dabadeed. waxaana la galay bishii Ramadaan oo waxaa lagaaray habeen Jimca ah oo 17 bisha Ramadaan ay tahay. Saa waxuu yiri Ibnu Muljim:- Tani habeenka kan waa habeenkii aanu kuballannay asxaabteydii.

Dabadeed way isasoo raaceen saddexdan nin ee kala ah Ibnu Muljim Shabiib iyo Wardaan si ay u dilaan Cali. Markuu Cali soo galay masjidkii goor salaad subax ah baa waxaa ku dhuftay seef Shabiib kadib baa waxaa isa raaciyey Ibnu Muljim, oo si daran ula helay, isagoo ku oranaya:- Caliyoow! majiro xukun aan xukunka Allaah ahayn. waxba kuumaysan tarin waxaad dhoodhobeysay iyo saaxiibadaaba. Waxuuna akhrinayay markaas qowlka Alle ee ah:

”Dadka Waxa kamid kuwa ku gato raali ahaanshaha Allaah darteed naftiisa,Allane waa mid uturid badan addoomadiisa”. Albaqara: 207d.

Kadib bay carareen oo Wardaan waxaa helay nin Xadrumowti ah oo dilay, Shabiibna wuu fakaday oo lama helin, halka Ibnu Muljimna lasoo qabtay.Waxuu markaas Cali amray Jacda bin Hubeyrah bin Abu Wahab si uu salada subax dadka u tujiyo. .Kadib waxaa loo qaaday Cali gurigiisi uu ku lahaa magaallada Kuufa, waana lala waday Ibnu Muljim Allaha duleeyo’e oo waxaa la hor geeyay imaam Cali hortiisa, saa waxuu yiri Cali:- War hooy! cadawgii Alloow soomaanan ku wanaajinin?

Markas buu kujawaabay:- Haa wad iwanaajisay.

Wuxuu yiri:- Maxaa kugu xambaaray arrinkaan?

Markas buu yiri:- Waxan joogay oo aan soofeynayay (yacni seeftiisa) 40 subax, anigoo Alle ka baryay si aan ugu dilo kan ugu sharta badan.

Markaas buu Cali yiri:- Ma arko aniga waxaan ka ahayn in lagu dilo oo mana arka waxaan ka ahayn inaad tahay khalqi kan ugu shar badan.

Kadib wuxuu raaciyey intaas Cali haddii aan dhinta dila, haddii aan noolaadana oo aan fiyoobaada anigaa aqaan sidaan yeelaya. Markaas buu Jundub bin Cabdullaahi yiri:- Amiirkii Muminiintow! haddaad dhimato waxaan la mubaayaconeynaa Xassan. Waxuu yiri Cali:- Idinma amrayo oo inkana reebi mahayo ee sidaad aragtaan yeela.

Markuu mowtka kusoo dhawadayna waxuu guda galay inuu ku hadaaqa kalimada towxiidka LAA ILAAHA ILLA-ALLAAH. Waxana layiraahda eraygii ugu dambeyay ee laga maqlayay Cali waxuu ahaa ayadahan Suuratu Zalzalah:

”Ruuxii waxyaroo kheyr ah falaa wuu arki doonaa, ruuxii waxyar oo shar ah falaana wuu arki doonaa”.

Waxuu imaam Cali u dardaarmay wiilkiisa Xasan iyo wiilkisa Xuseyn taqwada Alle sidoo kale waxuu udardaarmay inankiisa Maxamed bin Xanafiyah taqwada Alle iyo inay dhamaan ka dhowrsadan caruurtiisa fidna dhan oo ay ka fogaadaan waxuuna uqoray warqad dardaaran ah.

Markii Cali la aasay baa xasan bin Cali waxuu dalbay in xabsiga laga soo saara Ibnu Muljim si loo dila waana lasoo saaray, saa waxay Xasan iyo Xuseyn ka tashteen sidii laga yeeli laha waxayna dhaheen aan gubna, waxaa iskugu yimideen si ay uga cad goostaan Xuseyn bin Cali, Maxamed bin Xanafiyah Cabdullaahi bin jacfar, iyo Xasan Bin Cali.

Maxamed bin Cali iyo Cabdullaahi bin Jacfar iyo Xuseyn bin Cali baa waxay yiraahdeen:- Inoo daaya ilaa aan ka gudano. Saa waxuu Cabdullahi bin jacfar ka jaray gacmaha iyo lugaha oo indhahana kasoo saaray kadibna intay qaadeen bay gubeen. Illaah ha duleeyo’ e Ibnu Muljim.

Waxuu yiri Camr bin Al Asam:- Waxaan usoo galay Xasan bin Cali oo aan usheegay in dadka qaarkiis ay sheegayan inuu Cali soo laaban doona ka hor Qiyaamada, Saa wuu qoslay Xasan oo waxuu yiri:- Subxanallaah, Hadday sidaas ahaan laheyd dumarkisa ma laguursadeen oo dhaxalkiisana lama qeybiyeen.

Waana bidca aqwaasha noocaasi ahi. Bal’e waa munkar. Wallaahu aclam.

Cali bin Abii Daalib wuxuu geeriyooday 19-kii Ramadaan sanadkii 40aad ee Hijriga, maalin Axad ah, isagoo 63 jir ah, waa sida ay mu’arrakhiinta rajaxeen, ama qowlka ugu badan. Waayo waxaa la dhaawacay 17-kii Ramadaan habeen Jumca ah, laba casho kadibna waa uu geeriyooday Illaahay haka raalli noqdee. Janaasadiisii Xassan bin Cali baa tujiyey, wuxuuna takbiirsaday 9 takbiir, wallaahu aclam.

Waxaa la isku khilaafaa halkii lagu aasay sayid Cali bin Abii Daalib. Qaar waxay yiraahdaan:- Madiina ayaa loo qaaday oo lagu aasay maqbarada Baqiic, xaaskiisa dhinaceeda. Qaar kale waxay xusaan in aanan la ogeyn oo meydkiisii inta awr lagu qaaday, marka deegaanka banii Dayi lamaraya, ay qabsadeen, awkii iyo sanduuqii, markiina ay arkeen in mayd yahay bay deegaankoodii ku aaseen maydkii iyo sanduuqiiba. Qaar kale waxay sheegaan in lagu aasay qasriga imaaraddii Kuufa. Qaar kale oo culumada taariikhda ahi, waxay xusaan jaamaca magaallada Kuufa hortiisa lagu aasay goor habeen ah iyadoo laga qarinaya Khawaarijta iyo dadka kale, si aanay u soo saarin qabrigiisa.

Isku soo duuboo qowlka ugu adag ama ugu rajaxsan ee badi culimaayi siirah ay qaban waxaa weeye in Cali uu ku aasan yahay magaallada Kuufa, haddii ay noqon lahayd qasrigii imaaradda, ama haddii ay noqon lahayd masjidka hortiisa ama dhinaciisa, ama meel kaleba.

Aqwaasha qaar waxay sheegaan in duleedka Kuufa goor habeen ah lagu aasay. Wallaahu aclam.

Cali bin Abii Daalib, wuxuu ahaa nin go’aan adag, leh, wuxuuna aad u shabbahayay dhanka ad adkaanta amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab. Dhanka kale, wuxuu ahaa mid ku wanaagsan dhanka qaddaha iyo xukunka. Cumar bin Khaddaabna markii uu dhimanayay wuxuu yiri:- Haddii ay Cali doortaan wadada toosan ayuu marsiin.

Tani waxay ina tusineysaa inuu Cali ahaa nin kartiyeed aad iyo aad u qiima badan. Marxalad xun iyo fitan buu kusoo haggaagay, ay adkaan lahayd in khulafadii ka horeysay haddii ay iyaguna soo gaari lahayeen ay ku adkaan lahayd inay xal iyo maaro u helaan. Sidaa daraaddeed baa Cali intuu xukunka hayay oo idil ku mashquulsanaa istiqraarinta dowladdii islaamka, oo fitan aad u xoogan ay markaasi aafeeysay.

Majirin muddooyinkaasi dagaallo ama weerarro uu kuqaadayay quwadihii gaallada ahaa ee deriska, balse wuxuu awoodda saaray in Islaamka uu marka hore dhidibidda u aaso oo sidiisii hore kusoo celiyo.

Waxaa xilligii Cali bin Abii Daalib soo ifbaxay fidna wadayaashii Khawaarijta oo si loola macaamilo ay aad u adkeyd, waxayna runtii ahayd jirribaad iyo imtixaan aad u weyn Cali bin Abi Daalib la marshay. Wuxuu laayay in badan oo kamid ah Khawaarijtaasi, balse waxaa dhacday in ciidamadiisii oo idil ay ku caasiyaan una dhega nuglaan waayaan.

Markii uu amro ama tala keeno, ama uu hala baxa dagaal ku yiraahdo asxaabtiisa, baa waxay iyana ku qaabilayeen dhega adkaan iyo diidmo, waxayna uga careysnaayeen layntii uu laayey fidna wadayaashii Khawaarijta ahaa. Sidaa oo ay tahay, waaga dhulka guudkiisu ma uuna saarneyd axad ka fadli iyo karaama badnaa amiirkii Mu’miniinta. Dhibaatooyinkii iyo jarribaaddii baa ku darnaaday jeer hammi iyo murugo ay qalbigiisii fuushay. Ugu dambeynna Illaahay baa oofsaday shahiid ahaan.

Si wanaagsan ayuu uga gudbay marxaladdii adkeyd ee fidnada Rabbina wuu usaqiray Illaahay haka raalli noqdee hana u fududeeyo’e. Wuxuu ahaa mid Allaah iyo Rasuulkiisa jecel, sidayba Alle iyo Rasuulkiisuna asaga u jeclaayeen, siduu noo sheegay Rasuulkeennii SCW.

Halkaa ayay kusoo afjarmatay qisadii iyo Cali bin Abii Daalib Illaahay haka raalli noqdee.

Wabillaahil Mustacaan.

Cuthmaan

CUTHMAAN BIN CAFAAN (AMIIRKII MU’MINIINTA)

”Oo miyaanan ka xishooneyn qof ay Malaa’igtu ka xishooneyso”?

Sidaa waxaa yiri Rasuulkii Alle (SCW).

Kanina waa saxaabi jaliil ah oo kamid ah saxaabadii Nebi Muxammed SCW ee akhyaarta ahayd, khaliifkii saddexaad ee khulafaa’u Raashidiinka iyo amiirkii labaad ee Mu’miniinta, oo kamid ah kuwii ugu horeysay ee islaamtay, waa mid kamid tobankii jannada loogu bishaareyay iyagoo nool oo misna kamid ah lixdii ahlu shuurada ee uu Cumar howsha Islaamka uga tegay. Waxuu caan ku ahaa sama fal, suubanaan iyo sifooyinkii islaamka oo idil ka hor intaan lasoo dirin Rasuulka SCW. Waxuuna iska daba guursaday laba gabdhood oo uu dhalay Rasuulka SCW, waana qofka kaliya ee iska daba guursaday laba gabdhood oo walaalo ah misna uu dhalay Nebi. Sidaa darteed baa waxaa loo yaqaannay oo uu laqabkiisu ahaa Dun Nuureyn oo la macna ah Kii labada nuur u saaxiibka ahaa. Rasuulkuna SCW waxuu geeriyooday isagoo ka raalli ah.

Waxuu lahaa weji quruxoon, tima badan dhanka madaxa, waxuu ahaa mid dhex dhexaad ah, ma uusan gaabneyn, mana dheereyn waxuu lahaa gadh weyn, waxuuna gacmaha iyo luguhuba ku lahaa timo badan (xaad), ishii eegtaa ma qabaneyn kasii jeeso bal ee waxayba u ahayd il qabowsi iyo raxmad. Waxuu ahaa mid masaakiintu ay ku farxaan markii ay arkaan sidaa si lamid ahna qofkasoo Muslim wuu jeclaa, waxuu ahaa deeqsi had iyo jeerna wax bixiya, oo cibaado badan soon iyo salaad badan, waxuuna hal rakaco ku qatimi jiray Quraanka oo idil. Samankiisii waxaa batay hantidii beytul maalka, waxuuna masjidka Rasuulka SCW amray in la dhigo hilib soolan si masaakiinta, musaafirka, kuwa ku ictikaafa masjidka iyo dadka kaleba ay u cunaan, mararka qaarkood waxuu xaajada Muslimiinta ku gudi jiray maalkiisa gaarka ah, isagoo oran jiray waxaan dhiganayaa Allaah agtiisa.

Maxaa ka wanaag badan ruux hantidiisii dhigtay Allaah agtiisa. Markii la dilayey waxuu ka tegay hanti dhan 530 000 000 (shan boqol iyo soddon kun oo kun) oo Dirham ah iyo 100 000 (boqol kun) oo Diinaar, waxuu kaloo ka tegay 1000 awr, waxuu kaloo ka tegay hanti saddaqo uu ula baxay oo culus, waxaana kamid ahaa ceelkii Ariis, maal u yiillay kheybar iyo hanti u taallay Waadil Quraa oo lagu qayaasay 100 000 Diinnaar, waxuu kaloo ka tegay ceelka la yiraahdo Bi’ru Ruumah kaasoo waqtigii Nebiga SCW uu ka gatay nin Yahuudi ahaa.

Saxaabigaan jaliilka ah akhristoow waxaa aabahii la oran jiray Cafaan bin Abil Caas bin Umaya bin Cabdshams bin C/manaaf bin Qussay bin Kilaab bin Murrah bin Kacab bin Lu’ayi bin Qaalib bin Fihir bin Maalik bin Nadar bin Kinaanah bin Khuseymah bin Mudrikah bin Ilyaas bin Mudar bin Nizaar bin Mucad bin Cadnaan, oo waxuu ka dhashay Qureesh gaar ahaan jilibka banii Ummaya oo u xilsaarnaa dhanka hoggaanka ganacsiga ee Qureeshta, sidaa darteed waxuu Cafaan ahaa oday ganacsada ah oo Makka iyo marinnada ganacsiga oo idil ka sheegan oo laga yaqaan.

Dhanka kale waxaa hooyadii la oran jiray Arwaa bint Kureys bin Rabiicah bin Xabiib bin C/Shams bin C/manaaf bin Qussay, taasoo ay ilma adeer labaad ahaayeen aabahiis Cafaan bin Abul Caas, waxaana dhashay Arwaa Rasuulka SCW eeddadiis Ummul Xakiim Baydaa bint C/Mudalleb, sidaa darteed waxay Ummu Xakiim u ahayd saxaabigaan ayeeyo, Rasuulkuna SCW waxuu ugu toosnaa abti labaad maadaama ay dhashay gabadhii eeddadiis Ummul Xakiim ee Arwaa bint Kureys.

Ma sii foga halka ay nasab ahaan ku kulmaan asaga iyo Rasuulka SCW oo waxay ku kulmaan odayga C/manaaf bin Qussay, kaasoo ah awoowga 3aad ee Rasuulka SCW iyo awoowga 4aad ee saxaabigan , haddaba dhankanna waa ay ka kulmaan Rasuulka SCW iyo isaga oo markanna waxuu u noqon adeer, sidaa darteed waa saxaabiga kaliya ee Khulufaa’u Raashidiinta ama tobanka Jannada loogu bishaareeyay kamid ah, kaasoo qaraaba sidaa u sokeysa la ahaa Rasuulka SCW marka laga reebo Cali bin Abii Dhaalib.

Saxaabigan Jaliilka ahi waa Cuthmaan bin Cafaan bin Abul Caas, waa saxaabiga lagu amaanay inuu ummadan Nebi Muxammed SCW ugu xishood badan yahay, waana mid kamid ah saxaabadii dulqaadka iyo deeqsinnimada badnaa, waxuu ahaa mid naf iyo maalba u huray fidinta dacwada diinta Islaamka, oo waxuu ahaa mid Qureeshtu oo idilba ay jecelyahiin. Waxay haweenka Quresheed carruurtooda ku maaweelin jireen iyagoo leh weedha tan:” Hooyoow! waxaan kuu jeclahay sida ay Qureesh Cuthmaan u jeceshahay oo kale”. Taasi waxay ina tusineysaa sidii ay Qureeshtu u jecleyd Cuthmaan bin Cafaan iyo darajadii uu agtooda ka joogay ka hor intaanan lasoo dirin Rasuulka SCW iyo kadibba.

Haddaba waxaanan shaki ku jirin inuu Cuthmaan bin Cafaan ahaa saxaabi la jeclaada, tanna waxaa u saamaxday markii uu geeriyooday aabahiis Cafaan bin Abul Caas buu hantidiisii gacanta ku dhigay oo uu noqday nin baayacmushtari ah oo ganacsada geyiga oo idil caan ka ah noqday, tiiyoo halkaa ay kasoo shaac baxday gacan furnaantiisii iyo deegsinnimadiisii oo ummaddii oo idil wada jeclaatay. Waxuu Cuthmaan ku dhashay magaalada Dhaa’if 8 ama 7 sano kadib dhalashadii Rasuulka SCW waxaa kaloo la sheegaa inuu Makka ku dhashay, waxuuna jiray markii Rasuulka SCW lasoo dirayey 32 sano. Aabahii markii uu ka geeriyooday kadib hooyadii waxaa guursaday oo kaga dambeeyay Cuqbah bin Abii Mucayd oo isagu odayaashii banii Ummaya kamid ahaa, waxayna u dhashay 3 wiil iyo hal gabar, kuwaasoo la kala oran jiray: Al Waliid bin Cuqbah, Khaalid bin Cuqbah, Camr bin Cuqbah iyo Ummu Kalthuum bint Cuqbah bin Abii Mucayd, waxaana jirtay gabar isaga ( Cuthmaan ) la aabo iyo la hooyo ahayd oo la oran jiray Aaminah bint Cafaan.

Khaalid bin Cuqbah bin Abuu Mucayd (magaca Abii Mucayd waa Abaan) bin Abii Camr (magaca Abii Camarna waa Dakwaan) bin Umayah bin C/Shams isagu wuu Muslimay waxuuna noqday saxaabi jaliil ah, waxuuna Islaamay maalintii furashadii Makka, waxuuna kamid ahaa dadkii Cuthmaan difaacayey maalintii la dilayay Cuthmaan, sida inoo iman doonta hadduu Alle idmo.

Al Waliid bin Cuqbah isagu waxuu noqday Saxaabi jaliil ah, waana saxaabigii uu Rasuulka SCW u diray dhanka banii Musdhaliq si uu sakada uga soo qaado, dabeetana u maleyay in ay doonayaan inay dilaan oo Rasuulka SCW ayuu Madiina ugu yimid, waxaana ku soo degtay arrintaas saddarro kamid ah Suuradda Xujraad. Mar buu Cuthmaan masuul uga dhigay Kuufa oo haddana uu ka casilay sida iyana inoo iman doonta inshallah waxuuna ahaa waali caadil ah oo xitaa albaabkiisa wuu furnaan jiray, waxaa kaloo lasheegaa inuusan albaabba lahayn gurigiisa Kuufa. Ammaa Ummu Kalthuum bint Cuqbah iyadu waxay ahayd Muhaajiraddii ugu horeysay ee iyadu kaligeed hijroota, waxayna soo hijrootay kadib dhacdadii Xudeybiyah, Rasuulkuna SCW ma uusan celin.

Cuthmaan bin Cafaan waxuu u hijrooday dhulka Xabashida isagoo ahaa saxaabigii hoggaaminayey saxaabadii u hijrootay hijradii koowaad carriga Abasiinya (Xabashida). Waxuu kamid ahaa dadkii u hijrooday magaalada Madiina, waxuuna horey Rasuulka SCW ula walaaleeyay C/Raxmaan bin Cowf markii uu Muhaajiriinta dhexdooda walaaleynayey, markii Madiina la yimid oo Ansaarta iyo Muhaajiriinta dhexdooda la walaaleynayeyna waxuu la walaaleyay Aws bin Thaabit Al Khazraji oo la dhashay Xassaan bin Thaabit.

Islaamiddiisii

Islaamidda Cuthmaan bin Cafaan marka ay Culimada mu’arrakhiinta wax ka qorayaan waxay tilmaamaan in sifooyinkii Cuthmaan bin Cafaan ka hor islaamka ayba iska ahayeen sifooyinkii islaamka.

Sidaa darteed maalin baa waxaa wax u sheegtay habaryartiis Sucdaa bint Kureys oo iyadu ahayd curraafad wax sheegta ama faalliso, waxay usheegtay in Nebi lasoo saari doona goor aan sidaa u fogeyn, waxayna kula sii talisay in uu raaco Nebigaas. Haddaba Cuthmaan isagoo arrintaa la fajacsan buu maalin yimid golahii Abii Bakar Sidiiq oo markaa cidlo ahaa. Goor cabbaar ah markii uu meeshii joogay ayaa waxaa u yimid Abuu Bakar oo uu arrintii habaryartii ay u sheegtay uga warramay. Markii uu Abii Bakar ka dhageystay warkii Cuthmaan buu ku yiri:- War hooge! Cuthmaan Illaah baan ku dhaartaye waxaad tahay nin go’aan leh oo uusan xaqu baadilka kaga dhex dhuuman karin, kuwan sanamyada ahi ee ay caabbudayaan tolkaa, oo miyaanay ahayn kuwa indha, dhego iyo afba la’ waxna maqlahayn oo waxna arkayn, oo waxna aan dhibayn waxna aan tareynin? Markaa buu yiri :- Haaheey! Illaah baan ku dhaartaye waa sidaa.

Waxuu yiri Abuu Bakar:- Haddaba waa kan Muxammed uu Allaah u soo diray dhammaan khalqiga si uu dhambaalkiisa u gaarsiiyo,ee ma dooneysaa inaan kuu geeyo oo aad wax ka dhageysato? Markaa buu Cuthmaan yiri:- Haa.

Iyagoo xaaladdaas ku sugan baa waxaa soo maray Rasuulkii Alle SCW, markaasuu Abuu Bakar xaggiisii u dhaqaaqay oo misna si hoos ah wax ugu sheegay, Rasuulkuna SCW waxuu usoo dhaqaaqay dhankii Cuthmaan isagoo dhoola caddeynaya, waxuuna ku yiri:- War Cuthmaanoow! ajiib Allaah iyo Janno, anigu waxaan ahay ergaygii uu Alle usoo diray adiga iyo dhammaan khalqiga oo idile”.

Waxuu yiri Cuthmaan:- Illaah baan ku dhaartaye, waxba maanan sii hanan markii aan hadalkiisa maqlay illaa aan ka islaamo, oo aan ka qira inuusan jirin Allaah la caabbudo oo aanan ka ahayn Illaah, xaal uu yahay kali oo aanay jirin wax cibaadada lala wadaajiyo, Muxammedna SCW uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii SCW. Dabeetana ma aanan sii nagaan jeer uu Rasuulka SCW iiga guuriyey gabadhiisii Ruqayah bint Muxammed SCW.

Waxaana la oran jiray:- Laba is qabto oo zowjeyn ah waxaa ugu wanaag badan Cuthmaan iyo Ruqaya. Waxuuna guurkoodu dhacay kadib soo saariddii Nebiga SCW.

Sababtuu Rasuulka SCW ugu guuriyey Ruqayo Cuthmaan waxay ahayd in markii hore uu labadiisa gabdhood ee Ruqayo iyo Ummu Kalthuum uu u kala guuriyey labadii wiil ee adeerkii Abuu Lahab kuwasoo kala ahaa Cutbah oo uu u guuriyey Ruqaya iyo Cuteybah oo uu u guuriyey Ummu Kalthuum. Markii Rasuulka SCW lasoo diray oo ay colaadiyeen shisheeya iyo sokeeyaba, Abuu Lahab waxuu kamid ahaa dadkii colaadiyey waxuuna ahaa mid kamid adeerradii Rasuulka SCW in kastoo u ahaa midkii ugu kheyrka darnaa. Waxuu Rasuulka ku colaadiyey nooc waliba oo colaadda kamid ah, haddii ay noqon lahayd goyn rixim iyo gamashleyn inta uu gadaal kamaro uu marka uu dacwada dadka ugu yeerayo ku oran jiray waa walan yahay waa saaxir iyo eraya lamid ah oo dadkii kasii didinayey. Arrinta ugu foosha xun ee uu Abuu Lahab ku sameeyay Rasuulka SCW ayaa waxay ahayd inuu labadiisa wiil ku yiri:- Haddeydaan Muxammed gabdhahiisa u furin wejigiinnu wejigeygu waa ka xaaraan. Waxay gaadhay heerkaas colaaddii uu Abuu Lahab ku hayey Rasuulka SCW. Waxaana ku taageertay colaaddaas foosha xun afadiisii il kheyr ma saartada ahayd ee Ummu jamiil Arwaa bint Xarbi bin Umaya.

Markaas buu Rasuulka SCW u guuriyey Cuthmaan gabadhiisii Ruqaya bint Rasuulillaah ayay iyadu ula hijrootay hijradii dhulka Xabashida ee kowaad sanadkii 5aad ee Nebinnimada, waxayna ahaayeen ahlu beydkii ugu horeyay ee hijrooda kadib Nebi Ibrahiim CS iyo Nebi Luud siduuba Rasuulka yiri, markii ay hijroonayeen. Waxuu mar kale u hijrooday Cuthmaan bin Cafaan dhulka Xabashida isagoo ay la socota afadiisii Ruqayah bint Muxammed SCW, waxuuna ahaa amiirkii kooxdii Muhaajiriinta ee dhulka Xabashida u hijrootay labada jeer, kuwasoo uu afhayeen u ahaa Jacfar bin Abii Dhaalib.

Midna (Cutbah ama Cuteybah) lama uusan aqal galin gabdhahii Rasuulka SCW oo intayan la aqal gelin buu Alle Sarreeye soo dejiyey Suuradda Masad oo cadaab iyo hoog ugu bishaareyneysay Abuu Lahab iyo ooridiisii afka dheereyd ee Ummu Jamiil bint Xarbi. Tanna waxay ahayd karaama iyo sharfid uu Alle ku sharfayey qoyskii reer Muxammed SCW. Waxuuna markaa Rasuulka SCW u guuriyey gabadhiisii Ruqayah mid ka kheyr badan Cutbah bin Abii Lahab. Waxay Ruqaya Cuthmaan u dhashay wiil loo baxshay C/llaahi kaasoo ka geeriyooday isagoo lix jir ah, waxaana isha ku dhuftay diiq oo dabeeta ay barartay illaa uu markii dambe ka geeriyooday bishii Jamaadul Awal sanadkii 4aad ee hijriyada, Rasuulka SCW baana ku tukaday, waxaana qabriga dhigay aabahiis Cuthmaan bin Cafaan.

Ummu Kaltuum iyadu waxay la joogtay aabaheed jeer ay Ruqaya dhimatay kadib dhacdadii Bader, markaa buu Rasuulka SCW Cuthmaan u guuriyey Ummu Kalthuum bint Rasuulillaah SCW, taasoo iyana ka geeriyootay sanadkii 9aad ee hijriyada, waxuuna markaa Rasuulka SCW yiri:- Haddii ay gabadh kale ii joogi lahayd waa aan kuu guurin lahaa.

Midna kama uusan qeyb qaadan Cuthmaan dagaalladii Bader iyo Tabuuk sabab la xiriirta isagoo ku haray maalintii Bader Ruqaya oo xanuunsaneyd, markaas buu Rasuulka SCW ku reebay si uu ula jooga waxuuna siiyey saamigiisii qaniimadii Bader. Maalintii Tabuukna waxuu Rasuulka SCW ku reebay gabadhiisii Ummu Kaltuum (oo iyana afo u ahayd Cuthmaan markaas), oo markaa iyadu xanuunsaneyd, kamana uusan qeyb gelin, waxayna ka geeriyootay intuu Rasuulka SCW Tabuuk jiray.

Cuthmaan bin Cafaan Allaha ka raalli noqdee waxuu kamid ahaa dadkii fara ku tiriska ahaa ee asnaamta ka fogaa waqtigii jaahiliga, waxuuna ka fogaaday sidaa si lamid ah xummaanta iyo caadooyinkii Carabta ee anshaxa iyo akhlaaqda ka fogaa horeyna umuusan cabin khamri waligii, waxuu, u hijrooday dhanka magaaladii Madiina oo uu degay.

Dumarkiisii & Carruurtiisii

Ka hor intuusan Islaamin waxuu guursaday laba dumar ah kuwaasoo la kala oran jiray Ummu Camr bint jundub iyo Faadimah bint Al Waliid bin C/Shams bin Muqiirah bin C/llaahi bin Camr bin Makhsuum.

Haddaba innagoo sameyneyna nidaam tixraac wanaagsan leh ayaa waxaan u kala qaadi doonnaa afo waliba iyo carruurtii ay u dhashay si goonni ah. waana sida tan.

  1. Islaamka kahor waxuu guursaday Ummu Camr bint Jundub bin Xamamah bin Al Xaarith bin Rufaacah bin Sacad bin Thaclabah bin Lu’ay bin Caamir bin Qanam bin Dahmaan bin Munheb bin Dows oo ka dhalatay qolooyinka Uzdi-ga. Aabaheed waa saxaabi jaliil ah oo caan ah Jundub bin Camr Ad Dowsi,waxay ahayd afadii u horreysay ee uu Cuthmaan bin Cafaan guursada waxayna u dhashay: Camr, Khaalid, Abaan, Cumar iyo Maryam.
  2. Faadimah bint Al Waliid bin C/Shams bin Muqiirah bin C/llaahi bin Camr bin Makhsuum. Waxaa dhalay Al Waliid bin C/Shams kaasoo kamid ahaa ashraaftii Quresheed waxuu aabaheed Al Waliid islaamay maalintii furashada Makka oo kadibna waxuu ku shahiiday dagaalkii Yamaama isagoo ka hoos dagaallamaya calankii ina adeerkiis Khaalid bin Waliid. Faadimah hooyadeed waxaa la oran jiray Asmaa bint Abuu Jahal oo sidaa darteedna Abuu Jahal baa awoowe u ahaa, waxaa guursaday Cuthmaan bin Cafaan oo ay u dhashay Al Waliid, Saciid iyo Ummu Sacad.

Camr waxuu ahaa Curudkii Cuthmaan bin Cafaan, sidaa darteed waxaa loogu kunyoonjiray (Cuthmaan) Abaa Camr islaamka ka hor, markiina uu Islaamka yimid waxaa loogu kunyoonjiray Abuu C/llaahi.

  1. Islaamka kadib waxuu guursaday Ruqayah bint Muxammed SCW oo u dhashay C/llaahi oo ka saqiiray isagoo jira 6 sano.
  2. Waxuu kaloo guursaday Ummu Kaltuum bint Rasuulillaah SCW,waxbana uma aysan dhalin waxayna ka geeriyootay sanadkii 9aad ee hijriyada markii loo baxayey dagaalkii Tabuuk.
  3. Kadib waxuu guursaday Faakhitah bint Qazwaan bin Jaabir bin Nuseyb bin Wuheyb bin Seyd bin Maalik bin Cabdu bin Cowf bin Xaarith bin Maazin bin Maansuur bin Cikrimah bin Khasfah bin Qeys bin Ceylaan waxay udhashay : C/llaahi Al Asqar oo ka saqiiray isagoo ilma yar ah.
  4. Waxuu kaloo guursaday Ummul Baniin bint Cuyeynah bin Xisin bin Xudeyfah bin Bader Al Fazaari waxayna u dhashay: C/malik oo ka geeriyooday isagoo ilma yar ah.
  5. Waxuu misna guursaday furashadii Makka kadib Ramlah bint Sheybah bin Rabiica bin C/Shams bin C/manaaf, aabaheed Sheyba waxaa lagu dilay Bader isagoo gaal ah, waxaana dilay Xamza bin C/Mudhallib, Ramlah hooyadeed waxaa la oran jiray Ummu Shariik bint Waqdaan bin C/Shams bin C/Wuddi bin Nasar oo ka dhalatay Qureesh gaar ahaan banii Caamir bin Lu’ayi.Ramlah waxay ilma adeer ahaayeen Mucaawiyah hooyadii Hindah bint Cutbah bin Rabiicah iyo weliba saxaabigii Abuu Xudeyfah bin Cutbah, way islaamtay oo ay haajirtay. Waxay Cuthmaan u dhashay : Caa’isha, Ummu Abaan iyo Ummu Camr.
  6. Waxuu kaloo guursaday Naa’ilah bint Faraafizah bin Al Axwas bin Camr bin Thaclaba bin Al Xaarith bin Xisin bin Dam dam bin Cadiyi bin Junaab bin Kalbi oo ka dhalatay qoys masiixiyiin ah oo degnaa magaaladii Kuufa, waxay ku Islaamtay gacanta Ca’isha bint Abuu Bakar Sidiiq, sanadkii 28aad ee hijriyada ayuuna la aqal galay amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan, waxayna u dhashay: Ummu Khaalid, Ummu Abaan As Suqraa iyo Arwaa, waxaa kaloo ay u dhashay Maryama sida ay qabaan Ibnu jowzi iyo ibnu Sacad, waxayse yiraahdeen qaar kamid ah culimada mu’arrakheenta ah:- Maryama ma aysan dhalin Naa’ilah. Wallaahu aclam.
  7. Waxuu kaloo guursaday haweeney Ummu Walad ah oo dadkii la soo qafaashay kamid ah waxayna u dhashay:- Ummul Baniin bint Cuthmaan, waxaana Ummul Baniin guursaday C/llaahi bin Yaziid bin Abii Sufyaan.

Dhammaan carruurta Cuthmaan bin Cafaan waa ay u wada hana qaadeen marka laga reebo C/llaahi bin Ruqayah, C/llaahi Al Asqar iyo C/malik oo ka geeriyooday iyagoo ilmo yar ah.

Qaar Kamid Ah Fadliga Cuthmaan

Sida dhabta ah waxuu Cuthmaan lahaa fadli badan, waxuuna ahaa saxaabigii saddexaad ee ku xigay Abuu Bakar iyo Cumar dhanka fadliga, waxaana taa caddeynaysa axaadiista Rasuulka SCW qaar kamid ah oo ka hadleysa fadligii Cuthmaan. Saxaabigaan Jaliilka waxuu ahaa mid kamid saxaabadii Rasuulka SCW uu aadka u jeclaa, dhanka kalena waxuu la ahaa qaraaba soke, fadli iyo wanaagna waxaa ugu filan inuu Rasuulka SCW u guuriyey labadiisii gabdhdood oo misna uu yiri markay ka dhinteen:- Haddii ay mid saddexaad ii joogi laheyd waan kuu guurin lahaa.

Waxaa fadli iyo wanaagna ugu filan in Rasuulka SCW meela badan janno ugu bishaareyay. Abii Muusa Al Ashcari Allaha ka raalli noqdee waxuu yiri:- Maalin baan Rasuulka SCW la joogay beer kamid ah beeraha Madiina, markaa baa waxaa albaabka soo garaacay qof oo idin dalbaday in laga fura, markaa buu Rasuulka SCW yiri:- Ka fur uguna bishaareey Janno. Markiina aan ka furay waaba Abii Bakar, waxaana ugu bishaareyay sidii uu Rasuulka SCW igu yiri, markaa buu Alle mahadiyey, kadib waxaa yimid nin kale oo idin dalbaday in albaabka laga fura, markaasuu Rasuulka SCW yiri:- Ka fur oo uguna bishaareey Janno, markiina aan ka furay waaba Cumar, markaa baan uga warramay waxii uu Rasuulka SCW igu yiri, markaa buu Alle mahadiyey, kadib waxaa yimid nin kala oo idin dalbaday in laga fura, markaa buu Rasuulka SCW yiri:- Ka fur oo uguna bishaareey Janno iyo balo asiibi doonta,markaa baan ka furay, misa waa Cuthmaan bin Cafaan markaa baan uga warramay sidii uu Rasuulka SCW igu yiri, markaa buu Alle mahadiyey oo uu yiri:- Allaan kaalmo weydiisan. (Waxuu kuyaal Saxiixul Bukhaari).

Anas bin Maalik Allaha ka raalli noqdee waxuu yiri:- Rasuulka SCW baa waxuu fuulay buurta Uxud isagoo ay la socdaan Abuu Bakar, Cumar iyo Cuthmaan, markaa bay la gil gilatay. Markaa buu Rasuulka SCW yiri:- Sugnoow Uxud, (isagoo lugtiisa hoos ugu garaacaya) ma saarno dushaado waxaan, Nebi, Sidiiq iyo labo Shahiid ahayne. (Waxuu kuyaal Saxiixul Bukhaari).

Mar Rasuulka SCW oo tilmaamaya inuu Cuthmaan yahay kan ugu xishoodka badan umaddan Nebi Muxammed SCW waxuu yiri:- Kan ugu naxariista badan ummadeyda waa Abuu Bakar Sidiiq, kan ugu ad adkaanta badan diinta Allaah-na waa Cumar, kooda ugu xishoodka badanna waa Cuthmaan, kooda ugu ogaal badan xalaasha iyo xaaraantuna waa Mucaad bin jabal, kooda ugu aqrinta badan kitaabka Allaahna waa Ubaya bin Kacab, oo kooda ugu aqoonta badan cilmiga dhaxalkuna waa Zeyd bin Thaabit, ummad kastaana waxay leedahay amiin, amiinka umaddeydanna waa Abuu Cubeydah. (Waxaa soo weriyay Bukhaari oo kasoo weriyey Anas bin Maalik).

Ca’isha marwadii Rasuulka Alle SCW waxay tiri:- Goor uu Rasuulka SCW dangiigsanyahay gurigiisa oo jilbuhuna ay marada uga banaantahay ama gomadaha ay u banaanyahiin baa waxaa markaa ka idin dalbaday Abuu Bakar Sidiiq oo uu asaguna u idmay isagoo xaaladdiisii ku sugan, misna waxaa ka idin dalbaday Cumar oo isaguna uu u idmay isagoo sidaa ah, wayna sheekeysteen, misna waxaa idin dalbaday Cuthmaan bin Cafaan, markaa buu Rasuulka SCW fadhiistay oo marada hagaagsaday.

Muxammed bin Xarmalah wuxuu yiri:- Oran mahayo arrimahan waxay dhaceen maalin qura.

Waxay tiri Ca’isha iyadoo sii wadda hadalka:- Markaa buu soo galay oo ay wada sheekeysteen, markii uu baxay baa waxay Ca’isha tiri:- Abuu Bakar baa kuusoo galay oo maadan dhaqaaqin mana aadan is baddelin, misna Cumar baa kuusoo galay sidaa si lamid ah, misna Cuthmaan baa kuusoo galay, markaa baad fadhiisatay oo aad maradana hagaajisatay (sidee bay ku dhacday)? Waxuu yiri Rasuulka SCW:- Oo miyaanan ka xishooneyn qof ay Malaa’igtu ka xishooto? (Waxaa wariyey Muslim, waxuuna ku yaal kitaabka Muslim baabka Fadliga Cuthmaan bin Cafaan).

Tirmidi waxuu kasoo weriyay C/Raxmaan bin Khabaab inuu yiri:- Waxaan goob joog ahaa Rasuulka SCW oo ku boorinaya dadka diyaarinta ciidankii cuslaa, markaa baa waxaa kacay Cuthmaan bin Cafaan oo yiri:- Waxaan jidka Allaah kula bixi 100 awr oo rarkooda u dhan yahay. Misna Rasuulka SCW baa dadkii ku booriyey, markaa baa waxaa kacay Cuthmaan oo yiri:- 300 oo awr oo rarkoodu u dhan yahay ayaan jidka Alle kula bixi.

Waxuu C/Raxmaan yiri:- Waxaan arkay Rasuulka SCW oo mimbarka dul saaran oo leh:- Waxba ka tari mayso waxa uu Cuthmaan la baxo maanta kadib, waxba ka tari mayso waxa uu Cuthmaan la baxo maanta kadib.

Maalintaa iyada ah (maalintii Tabuuk) buu Rasuulka SCW yiri:- Ruuxii diyaariya ciidanka culus waxaa u sugnaatay Jannah. Markaa buu Cuthmaan bin Cafaan diyaariyey.

Rasuulka SCW baa maalin Dhalxa iyo Cuthmaan isagoo ay la socdaan ku yiri Dhalxa:- Dhalxoow! ma jiro Nebi aan saxaabadiisa mid kamid ah ka yeelaneyn Jannada dhexdeeda rafiiiq, rafiiqeyga Jannaduna waa kan (Cuthmaan).

Sida werin ay soo weriyeen Nisaa’i iyo Tirmidi ay tilmaameyso, waxuu Rasuulka SCW markuu yimid Madiina ku yiri asxaabtiisa:- Oo kiinee baa ceelka Ruumah inoo iibiyo, oo halkii darka ee biyaha ah oo uu qof Muslim ahi ka darsada uu Alle uga yeeli doona baddalkiisa dar ka kheyr badan Jannada dhexdeeda? Markaa buu Cuthmaan iibiyey.

Ceelkaan markiisii hore waxaa lahaa nin Yahuudi ah oo Muslimiinta ku dhibi jiray, markaa buu Rasuulka SCW jecleystay in uu noqda mid Muslimiinta lagu dhibin oo ay ka cabbaan, markaa buu Cuthmaan ka iibsaday Yahuudigii, waxaa la sheegaa inay ku heshiiyeen, qiima 8000 Dirham ah, dabeetana maalin ay Muslimiinta ka cabbaan maalinta kalana uu ninka Yahuudiga ah leeyahay oo qof muslim uma soo dhawaan karo. Cuthmaan bin Cafaan waxuu Muslimiintii ku yiri:- Maalinteyda weelashiina ka buuxsada biyaha oo si fiican u dhaansada si maalinta kale aydan ugu baahan ceelka wax biyo ah. Markii in muddo Muslimiintii sidaa ahaayeen buu markii dambe Cuthmaan Yahuudigii u tegay oo uu usheegay inuu 4000 Dirham ugu daraaya beecii hore, isaguna waa in markaa uu furaha ceelka gacanta u geliyo. Markiina uu Yahuudigii arrintaa ku qancay buu Cuthmaan furahii ka qaatay lacagtiina siiyey, waxuuna furahii u geeyay Rasuulka SCW oo uu gacanta ka saaray. Rasuulka SCW intuu si aad ugu farxay buu u duceyay Cuthmaan, sidaa darteed Cuthmaan waxuu ahaa siduuba Rasuulka SCW sheegay maalintii la diyaarinayey ciidankii cuslaa ee Tabuuk, maalintaasoo uu Cuthmaan bixiyey hanti fara badan, werinnada qaarkoodna ay ku tilmaamaan kun Diinaar iyo dhowr boqol oo awr oo reeryadooda u dhantahay. Maalintaa buuna Rasuulka SCW sheegay in aysan Cuthmaan wax damba oo uu la baxa aysan dhibeyn. Waa sidaase waxuu ahaa mid gacan furan sidaynu horey usoo xusnayba oo deeqsi ah, sideedaba hadduu qofku ahaa waqtigii jaahiliga mid akhlaaq suubban lahaa islaamka hadduu yimidna waxuu noqday mid kasii dara oo hadduu deeqsi ahaa waa kan deeqsinnimadiisii heerkaa sii gaartay waqtigan Islamka.

Masjidkii Rasuulka SCW baa ciriiri ku noqday bulshadii islaamka, markaa buu Rasuulka SCW yiri:- Oo yaa inoo iibiyo tiirarka reer hebal oo inoogu siyaadiyo masjidka oo uu Alle ugu baddeli doonaa wax ka kheyr badan Jannada dhexdeeda? Markaa buu Cuthmaan istaagay oo uu soo iibiyey, waxaa la sheega inuu lacag culus oo dhowr boqol oo Dirham ah kasoo bixiyey.

Maxammed bin Siiriin waxuu yiri sida uu uga warramay Ibnu Cown:- Cuthmaan bin Cafaan waxuu ahaa saxaabiga ugu aqoonta badan acmaasha xajka saxaabada dhexdooda, waxaana ku xiga isaga kadib C/llaahi Ibnu Cumar.

Waxuu kamid ahaa fuqahaadii saxaabada iyo kuwoodii ugu waa weynaa oo ugu akhyaarsanaa, uguna dhawaansha ogaa agta Rasuulka Alle SCW, waxuu kamid ahaa kuwa saxaabada ugu cilmiga badan, waxuuna cilmiga ka qaatay madarasadii Rasuulka SCW. Waxuu laasimay Rasuulka SCW agtiisa markii lasoo diray jeer uu ka aaday rafiiqa sare (Rafiiqul Aclaa) oo uu ka geeriyooday. Waxuu kaloo laasimay lajoogidda labadiisii saaxiib ee Abuu Bakar iyo Cumar isagoo kamid ahaa dadkii ay sida gaarka ula tashan jireen, waxuuna ahaa saxaabi aad loo qadariyo.

Cuthmaan bin Cafaan waxuu kamid ahaa saxaabadii fara kutiriska ahayd ee samaha iyo wanaagga iyo deeqsinnimada ku caan baxay Islaamka ka hor iyo kadibba. Waxuuna ahaa mid naxariis badan oo wax waliba cafis iyo saamaxaad ku qaabila, waxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee hal rakaco ku qatima Quraanka oo dhan.

Ma soo koobi karno fadligii Cuthmaan iyo goobahii uu ku muteystay inuu Rasuulka SCW Janno ugu bishaareeyo, sidaa darteed waxaan uga gudbi doonnaa intaa, Idinka Allaah.

Cuthmaan bin Cafaan waxuu ka qeyb qaatay dhacdooyinkii dhacay waqtigii Rasuulka SCW badankood, hase ahaatee kama uusan wada qeyb qaadan dhammaantood. Dagaalkii Bader Rasuulka SCW baa ku dhaafay inuu la jooga Ruqaya oo markaa xanuunsaneysay, waxuuna uga tegay isaga iyo Usaama bin Seyd si ay xaaladeedda ula socdaan, waxuuna Rasuulka SCW yimid iyadoo geeriyootay, waxayna ahayd waqtigaa waqtigii bishaaradii Bader ay Madiina soo gaartay, waqtigaa iyada ah bayna ahayd waqtigii uu Rasuulka SCW sida aadka ah uga murugooday geerida gabadhiisii Ruqaya iyo murugada ku timid seygeedii Cuthmaan, sanadkii saddexaad waxuu Rasuulka SCW ku daray Cuthmaan bin Cafaan oo u u guuriyey gabadhiisi kale ee Ummu kaltuum, taasoo iyana ka geeriyootay markii Tabuuk loo baxay. Waxuu kamid ahaa saxaabadii maalintii Uxud sida dhaqsiyaha badan kusoo gaddoontay kadib markii ay jabeen Muslimiinta, waxuuna kamid ahaa raggii isagu yimid hareeraha Rasuulka SCW si ay u difaacaan. Waxuu Rasuulka SCW uga tegay magaalada Madiina masuul ahaan maalintii uu u baxayey duullaankii Dii’amar.

Maalintii Xudeybiyah Rasuulka SCW waxuu damcay inuu Qureeshta u diro saxaabiga Cumar bin Khadaab si uu ugu sheego inuu usoo baxay cumro iyo beydka Xaramka inuu dawaafo oo kaliya, hase ahaate Cumar waa uu ka cududaartay arrintaas waxuuna yiri:- Rasuulkii Allow! aniga tolkeyga waa ku yar yahay magaalada Makka mana jirta cid ii doodeyso hadhoow, Qureeshtuna waad ogtahay cadaawadda iyo carada ay ii qabto, marka waxad u dirtaa Cuthmaan bin Cafaan, isagaa laga jecelyahaye oo tolkiisuna ay meesha haystaane oo waxii aad fartana gaarsiinayee. Markaa buu Rasuulka SCW u diray Cuthmaan bin Cafaan isaguu ku yiri:- U sheeg Qureesh inaanan u iman wax dagaal ah oo usheeg inaan u nimid oo kaliya cumro Islaamkuna ugu yeer. Waxuu kaloo faray inuu u tego raggii iyo dumarkii Mu’miniinta ee Makka lagu dhibayey oo uu ugu bishaareeyo guul iyo furasho soo dhaw oo dhici doonta waqti aan sii fogeyn, gabbood falka foosha xun iyo diinta la qarsanna laga bixi doona oo Makka la furan doona idinka Alle.

Cuthmaan waxuu abbaaray dhankii Makka waxuuna Qureeshtii kusii maray meesha la yiraahda Baldax, markaa bay ku yiraahdeen:- Oo xaggee baad usocotaa? Waxuu ku jawaabay:- Rasuulkii Alle SCW baa sidaa iyo sidaa isoo faray. Markaa bay ku yiraahdeen:- Maqalnay warkaada ee howshaada wado. Markaa baa waxaa kacay Abaan bin Saciid bin Al Caas oo soo dhaweeyay dabeetana intuu faraskiisii ku qaaday buu Makka keenay oo uu magan galiyey. Kadib Cuthmaan waxuu farriintii Rasuulka SCW gaarsiiyey odayaashii Quresheed oo iyana intay si wacan u dhageysteen bay usoo jeediyeen inuu Kacbada dawaafo markuu xilkii gutay, hase ahaatee isagu waa uu ka diiday waxuuna yiri:- Rasuulkii Alle SCW oo aan dawaafin dawaafi mahayo. Qureeshtii markaa waa ay xabbiseen Cuthmaan iyadoo markaana ay ka tashanayeen arrinta, markaa baa waxaa Muslimiintii soo gaartay in Qureeshtii Cuthmaan dishay, markiina arrintaa uu Rasuulka SCW waxuu yiri:- Laaban maahayo illaa aan qoomkan cuuryaamiyo. Waxuuna axdi ka qaaday saxaabadii inaanay cararin , oo kula ballameen geeri. Cid axdigaa Rasuulka SCW la gashaana waxaa ugu horeeyay Abuu Sinaan bin Muxsin, iyadoo Salamata bin Camr Al Akwacna uu saddex jeer geeri kula ballamay Rasuulka SCW.

Nebigu SCW gacantiisii midigta kor u qaaday ayaa waxuu yiri:- Tani waxay ka wakiil tahay Cuthmaan , markaa buu gacantiisii bidixda ku dul dhuftay.Markii ay Qureeshtii maqashay arrintaas, baa waxay si deg deg ah kusoo direen Suheyl bin Camr si uu heshiis ula soo galo Muxammed SCW, markii dambana waxaa yimid Cuthmaan bin Cafaan oo nabad qaba.

Al Muhiim: Dhacdadan oo loogu magac daray Beycatu Ridwaan, beycadii uu Alle ka raalli noqday dhammaan dadkii ka qeyb galay, waxaa u sabab ahaa Cuthmaan bin Cafaan, waayo Cuthmaan bin Cafaan waxuu ahaa saxaabi la jecelyahay oo gaalada Quresheed iyo Muslimiintuba jeclaayeen, waana tan keentay inay saxaabada oo idil geeri kula mubaayacoodaan iyagoo dalbi dilkii Cuthmaan bin Cafaan inay u aar gutaan, kuwaasoo uu Alle ka wada raalli noqday mar uu aayado kamid suuratu Al Fatxi kusoo dejiyey arrinkaa waxuuna yiri Alle Sarreeye:”

Dhabtii Alle Raalli buu ka noqday Mu’miniinta markii ay beycada (Ballanka,axdiga iyo heshiiska kugula galayeen inay dhiigga Cuthmaan raadiyaan oo aynan dib u cararin iyagoo kugula ballamayey geeri ) kugula galayeen (Muxammadoow SCW) geedka hoostiisa.(Suuradda Al Fatxi aayadda 18aad)

Markii la furtay Khaybar waxay Cuthmaan ibnu Cafaan iyo Jubeyr bin Mudcim isku raaceen Rasuulka SCW oo waxay kala hadlayeen arrin la xiriirta khumuskii qaniimada kheybar oo uu Rasuulka SCW wax wadaajiyey banii Mudallib iyo banii Haashim, labada (Cuthmaan iyo jubeyr) waxay ka kala dhasheen banii C/Shams iyo Nowfal.

Banii C/Shams iyo banii Nowfalna waxay walaalo yahiin Muddalib iyo Haashim, sidaa darteed nasab ahaan Mudallib, C/Shams iyo Nowfal way u wada simanyahiin Rasuulka SCW, markaa bay labadan saxaabi istusiyeen inay u tegeen Rasuulka SCW oo ay wax ka weydiisteen iyagoo weliba caddeyay in banii Mudallib iyo iyagu u siman yahiin Rasuulka SCW, waxuuse Rasuulka SCW ugu jawaabay:- Ilmo Mudallib iyo Ilma Haashim shey waliba waa kamid, waayo naga aaysan faaruqin Islaamka iyo ka horba. Waxuu Rasuulka SCW sidaan u oran banii Nowfal iyo banii C/Shams waxay ahaayeen kuwa Rasuulka SCW colaadiyey badankooda (yacni madaxdooda) halka ay banii Mudallib gaalkooda iyo muslimkooduba garab taagnaayeen Rasuulka SCW.

Waxuu Cuthmaan ka qeyb qaatay Furashadii Makka, dagaalladii Xuneyn iyo Dhaa’if, isagoo markaana la socday Rasuulka SCW, dagaalkii Tabuuk kama uusan qeyb qaaday sidaynu soo xusnayba hase ahaatee waxuu ahaa saxaabigii diyaariyey ciidankii cuslaa ee Tabuuk, waana maalintii hantida lama filaanka ah uu dar Alle Cuthmaan u bixiyey.

Intaa kadib waxuu laasimay Abuu Bakar Sidiiq agtiisa isagoo marka ahaa qorahiisii la shaqeynayey Abuu Bakar Sidiiq, waxaana xusid mudan inuu ahaa saxaabigii qoray warqaddii dar daaranka Abii Bakar Sidiiq. Goor uu warqadda Abuu Bakar yeerinayey Cuthmaanna uu qorayey ayuu mar qura miyir beelay Abuu Bakar, waayo markaa waxaa hayey xanuunkii uu dunida kaga hoyanayey,markaa iyada waxuu marayey weedha ah:- Waxaan idin kaga tegay gadaasheey………., markaa buu miyir beelay, dabeeta Cuthman oo warqaddaasi qorayey baa waxuu ku buuxiyey Cumar meeshii uu Abuu Bakar kaga miyir beelay yeerintii warqadda, isagoo markaa Cuthmaan ka cabsaday in Abuu Bakar uu sidaa ku geeriyooda dabeetana ummadu ay is khilaafto. Sidaa darteed buuna Cumar ugu buuxiyey. Markii uu Abuu Bakar soo miyirsaday buu yiri:- Ii akhri wixii aad qortay, markiina uu marinaya waxaan idin kaga tegay…. buu Cuthmaan ku buuxiyey Cumar, markaa buu Abuu Bakar aad ugu farxay qadaha Cuthman iyo sida uu wax yeelay, waxuuna yiri:- Waxaa Cuthmaanoow! laga yaaba inaad ka yaabtay inaan geeriyooda oo dabadeed dadku is khilaafaan, sidaa darteedna aad Cumar ugu buuxisey halkii aan ku miyir beelay? Illaah baan ku dhaartaye haddii aad adigu isku qori lahayd ehel baad u ahaan lahayd. Waxuuna halkii kasii waday yeerintii warqadda jeer uu ka dhammeeyey, asaga ayaana dadkii Madiina ku dul akhrinayay warqaddaasi.

Cuthmaan bin Cafaan waa mid kamid ah dadkii kula taliyey Abuu Bakar in uu xilkan khilaafada uga tego Cumar, maadaama uusan jirin nin ka mudan oo kaga xaq leh, haddii ay ahaan lahayd xagga cilmiga iyo haddii ay ahaan lahad dhanka fadligaba, sidaa darteedna markii uu Cumar qabtay xilka khilaafada Cuthmaan waxuu kamid ahaa dadyoowgii sida gaarka ah ula shaqeynayey gaar ahaan lixdii ahlu shuurada ahayd ee arrimaha la kala wadday.

Waxuu si gaar ah kamid ahaa lixdii saxaabi ee ahlu shuurada ee uu Cumar uga tegay arrimaha Islaamka si ay isaga dhex doortaan amiir, waxuuna markaa Cumar yiri:- Umaleyn mahayo in ay dadku Cuthmaan iyo Cali qofna ku doorsanayaan, waayo waxay wax kaga qori jireen waxyiga Rasuulka SCW hortiisa isagoo markaa ah sidii uu Jibriil CS kusoo dejiyey (Quraanka). Ciwaanka dambe ayaanna ku faafaahin doonnaa qaabkii ay doorashadii Cuthmaan ibnu Cafaan u dhacday, haddii uu Alle idmo.

Doorashadii Cuthmaan Bin Cafaan

Markii uu geeriyooday amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khadaab waxuu xilka uga tegay 6 kamid ah toddobadii ka nooleeyd tobankii jannada loogu bishaareyay iyagoo dunida guudkeeda saaran, waxuuna ahaa midka uu Cumar ka reebay toddobadaas Saciid bin Zeyd bin Camr bin Nufeyl, kaasoo Cumar ay ahaayeen qaraabo soko, sidaa darteed Cumar waxuu oran jiray:- Reer Khaddaab arrimahii Islaamka halaga weydiiyo hal nin (Cumar) oo kaliya. Waxuuna amray Cumar lixdaa ahlu shuuraha ah inay iska dhex doortaan amiir muddo saddex casho ah kadib geeridiisa.

Waxay kala ahaayeen lixdaa saxaabi ee ahlu shuurada ahaa Cuthmaan ibnu Cafaab,Cali bin Abii Dhaalib, C/Raxmaan bin Cowf, Dhalxa bin Cubeydillaah, Subeyr bin Al Cawaam iyo Sacad bin Abii Waqaas, waxuuna Cumar amray Abuu Dhalxa Al Ansaari iyo Al Miqdaad bin Camr inay soo kaxaystaan 50 nin oo seefahooda sita oo ay u fadhiistaan albaabkooda marka ay shirayaan, ayna ka ilaaliyaan in cid kale usoo gasho, waxuuna Cumar amray inuu la jooga lixdaasi nin ee ahlu shuuraha ahi C/llaahi ibnu Cumar, hasa ahaatee aan howsha masuuliyadda waxba ku lahayn oo aan la dooran karin, waxuu ula joogi oo kaliya inuu waaniyo oo uu u naseexeeyo, waxuuna Cumar u dar daarmay inuu dadka sii tujiya Suheib bin Sinaan Ar Ruumi saddexda casho, waxuuna dardaaran qaas ah siiyey Abuu Dhalxa iyo Al Miqdaad si haddii ay muddadaas saddexda casho ah lixda nin ee ahlu shuuraha ahi iska dooran waayaan amiir in dhammaan ay kurka u wada dheereeyaam, ragga kuwanna waxay ahaayeen rag uu Alle ka raalli noqday weliba kuwii markaa guudka dunida ugu fadliga iyo kheyrka badnaa. Masuuliyadda arrinkan aad bay ugu weyneeed, muddo yar kadibna waa ay ku guuleysteen, oo waxay doorteen Cuthmaan bin Cafaan.

Markii uu geeriyooday Cumar baa waxaay dadkii ku doodeen kii tujin lahaa janaasada Cumar, qaar waxay tilmaameen Cali qaarka kalena Cuthmaan, markaa baa waxaa u yimid C/Raxmaan bin Cowf oo ku yiri:- Waxba kuma lihidiin arrintaan, waxaa iskaleh oo kaliya Suheib bin Sinaan. Markaa buu Suheib horey maray oo dadkii tujiyey janaasadii Cumar. Waxaana qabriga dhigay wiilkiisa C/llaahi iyo lixdii ahlu shuurada marka laga reebo Dhalxa oo isagu howl u gaar ah ku maqnaa.

Intaa kadib Al Miqdaad bin Camr waxuu lixdii nin ee ahlu shuuraha ahaa ku kulmiyey gurigii Miswar bin Makhramah oo ahaa wiil uu C/Raxmaan bin Cowf abti u ahaa, waxaa kaloo la sheegaa inuu ku kulmiyey qolkii Ca’isha, ama gurigii Faadimah bint Qeys (Daxaak bin Qeys Al Fihri walaashiis), waxaa kaloo la sheegaa inuu ku kulmiyey guriga beytul Maalka, hase ahaate waxay culimada siirada rajaxaan in lagu kulmiyey gurigii Al Miswar bin Makhramah. Waxay tegeen gurigii showrada. Abuu Dhalxa iyo raggiisina waardiya ayay ka qabteen oo albaabka ayay u fadhiisteen, waxaana markaa yimid Muqiirah bin Shucbah iyo Camr bin Al Caas oo albaabka agtiisa fadhiistay, dabeeta baa waxaa usoo baxay Sacad bin Abuu Waqaas oo meeshii ka eryay kuna yiri:- Ma waxaad dooneysaan inaad tiraahdaan waxaan xaadirnay arrintii ahlu shuurada?

Ula jeedadu waxay tahay in ay qoomku galeen meel ka qarsoon dadka si ay arrintan culeyskeeda meel isaga tiiriyaan, kadibna waxaa yimid Dhalxa bin Cubeydillah markaa bay u fadhiisteen howshii, oo saddex kamid ahi tanaasushay saddexdaas oo kala ahayd: Zubeyr oo isagu booskiisii Cali ku wareejiyey, Dhalxa oo isaguna xaqiisii ku wareejiyey Cuthmaan iyo Sacad bin Abii Waqaas oo isagu u tanaasulay C/Raxmaan, halkaana waxaa ka soo baxay saddex kamid ah lixdii ahlu shuurada, howshiina waa ay fududaatay, markaa buuna C/Raxmaan weydiiyey Cali iyo Cuthmaan koodii fadliga badan ee arrinkaan qaadi lahaa, hase ahaatee labadiiba waa ay aamuseen, waxuuna markaa C/Raxmaan tilmaamay in uu xaqiisii isaga ka tanaasulay oo uu Alle la kaashanayo inuu labadan nin koodii fadliga badan uu howshan dusha u saara, waxuuna weydiiyey inay labadoodu sidaa raalli ku yahiin in koodii fadliga badan uu u dhiibo, waxayna wada yiraahdeen:- Haa! raalli baynu ku nahay. Markaa buu C/Raxmaan ka sheekeyay mid waliba fadliga uu leeyahay (Cuthmaan iyo Cali) oo sidaa ballan kaga qaaday in haddii midkood uu xilka u dhiibo uu caddaalad fali doono, haddii kan kale masuul looga dhigana uu maqli oo adeeci doono, waxayna wada yiraahdeen:- Haa!. Sidaa buuna ballan kaga qaatay, oo ay ku kala tageen.

Dhanka kale ahlu shuuradii waxay arrintii u daayeen C/Raxmaan bin Cowf si uu ugu dadaalo inuu kooda fadliga badan howshan udhiibo, waxuuna guda galay C/Raxmaan inuu la tashada qof waliba oo uu wax su’aalo qof kastoo uu is yiraahda wax waad weydiin kartaa, oo kamid ah ahlu shuurada iyo qeyrkoodba, dadkuna badankoodu waxay u tilmaamayeen in Cuthmaan bin Cafaan loo dhiibo xilka iyadoo ay jireen kuwa Cali in loo dhiiba jeclaa kuwaasoo ay kamid ahaayeen Al Miqdaad bin Camr iyo Camaar bin Yaasir iyo rag kaloo badan.

Markii dambe buu C/Raxmaan Cali utegay oo uu ku yiri:- Bal ka warran haddii aan ku dooran waayo , yaad ii tilmaameysaa inaan doorta? Markaasuu Cali yiri:- Waxaan kuu tilmaami inaad doorato Cuthmaan. Kadib waxuu utegay Cuthmaan bin Cafaan oo uu ku yiri:- Ka warran haddii aan ku dooran waayo, yaad ii tilmaami inaan doorta? Waxuuna ku jawaabay :- Cali bin Abii Dhaalib.

Sida cad arrimahaan idil waxay dhaceen saddexdii casho ee fursadda uu haystay C/Raxmaan, taasoo uu horey Cumar u siiyey, waxuuna C/Raxmaan door biday inuusan ku deg degin arrintaan ee uu bal saddexdaas casho ee fursadda ah ka faa’ideysto oo dadka uu la showra isagoo kala tashanayo koodii fadliga badan labadan nin (Cuthmaan iyo Cali). Sidaana waxaa ku dhaaftay C/Raxmaan saddex casho oo uusan hurdo fiican helin isagoo kusoo jeeday salaad, duca, istiqaaro iyo wada tashi uu dadka la sameynayey muddadaas, mana uusan la kulmin C/Raxmaan bin Cowf laba isku khilaafeyso in Cuthmaan bin Cafaan la hor mariya oo masuul laga dhiga marka laga reebo Cammaar bin Yaasir iyo Al Miqdaad bin Camr, waxay iyagu qabeen in xilka loo dhiibo Cali, hase ahaatee markii damba oo ay dadku Cuthmaan la mubaayacoonayeen iyana waa ay la mubaayicoodeen.

Habeenkii subaxiisa la dooranayey Cuthmaan,ayaa waxuu C/Raxmaan hurdada ka kacay goor hore (fajarka), asagoonba horay wax fiican u seexan, waxayna ahayd subaxii afraad ee kasoo wareegtay geeridii Cumar bin Khadaab. Waxuu yimid gurigii wiilkii walaashiis ee Al Miswar bin Makhrama, markaasuu ku yiri:- Oo miyaad huruddaa Miswaroow!? Illaah baan ku dhaartaye inaan muddo saddex casho ah hurdo fiican helin, orodoo iigu yeer Cuthmaan iyo Cali.

Waxuu yiri:- Kee baan ku hor maraa?

Waxuu yiri:- Kii aad doonto.

Markaa buu Miswar u tegay Cali oo uu ku yiri:- Ajiib abtigeey (abtigeey baa kuu yeerayo ee u tag).

Waxuu yiri Cali:- Oo ma jiraa qof kale oo uu u yeer ku yiri la jirkeyga.

Waxuu yiri :- Haa!.

Waxuu yiri:- Oo waa kuma?

Waxuu yiri:- Cuthmaan bin Cafaan.

Waxuu yiri:- Keennee buu ka bilaw ku yiri yeeridda?

Waxuu yiri :- Imuusan amrin taas waxuuse igu yiri oo kaliya Ku hor mar koodii aad doonta, markaa baan adiga kuu imid.

Markaa buu soo raacay waxayna soo abbaareen dhanka gurigii Cuthmaan bin Cafaan, markiina ay kusoo dhawaadeen buu Cali u fadhiistay banaanka, saa waxaa galay Al Miswar bin Makhrama waxuuna la kulmay Cuthmaan oo salaad u taagan, markii uu salaadda ka baxayna waxuu u sheegay inuu C/Raxmaan u yeeraya, markaa buu weydiiyey su’aalahii uu Cali weydiiyey oo kale isaguna sidii oo kale buu uga jawaba, dabadeedna way isasoo raaceen oo ay dhankii C/Raxmaan soo aadeen.

Markii ay C/Raxmaan u tegaan baa waxuu ku yiri:- Xaggiina baan dadka wax ka weydiiyey mana aanan arag qof idiin dhigma oo la idin bar bar dhigi karo. Dabeeta waxuu ka qaaday ballan iyo axdi mar kale, haddii uu midkood xilkan u dhiiba in uu caddaalad fali doono, haddii kan kala loo dhiibana uu maqli oo uu adeeci doono. Dabeetana waxuu usoo kaxeeyay masjidkii, waxuuna C/Raxmaan kusoo lebistay cimaamaddii uu Rasuulka SCW horey ugu xiray markii uu u dirayey Duumatul Jandal, waxuuna soo qaatay seeyftiisi oo Muhaajiriintii iyo Ansaartiina u diray cid u naadiso si ay masjidka u yimaadaan, waxuuna jiha waliba u diray dad si masjidka la isugu wada yimaado, markaa buu masjidkii buux dhaafay oo uu ciriiri noqday heer Cuthmaan bin Cafaan uu waayey goob uu fadhiista, markaa buu gaadada dambee masjidka fadhiistay, waxuuna ahaa saxaabi xishood badan sidaynu horeyba usoo xusnay.

Kadib C/Raxmaan bin Cowf baa waxuu koray mimbarkii oo uu in muddo ah taagnaa isagoo ku duceysanayay ducooyin dheer oo aysan dadku maqlahayn, markaa buu mar dambe hadlay oo yiri:- Dadoow! waxaan si qarsoodi iyo muuqataba idin weydiiyey amaanatiinna tan, mana arag axad aad ku doorsaneysaan labadaan nin Cali ama Cuthmaan, marka Caliyoow! iisoo istaag. Markaa buu u kacay oo uu istaagay mimbarka hoostiisa,markaa buu C/Raxmaan gacanta Cali qabtay oo yiiri:- Oo ma igula mubaayacooneysaa kitaabka Allaah iyo sunnaha Nebigiisa Muxammed SCW iyo falkii Abii Bakar iyo Cumar?

Markaa buu Cali yiri:- Allahayoow! maya, hase ahaatee dadaalkeyga iyo inta aan ka awooda arrinkaas. Markaa buu iska sii dayay gacantiisii oo yiri:- Cuthmaanoow! iisoo istaag. Markaasuu usoo istaagay oo uu gacanta qabtay dabeetana uu ku yiri:- Oo ma igula mubaayacooneysaa kitaabka Allaah iyo sunnaha Nebigiisa Muxammed SCW iyo falkii Abii Bakar iyo Cumar? Markaasuu yiri:- Allaahuma! nacam. Markaa buu C/Raxmaan madaxa kor uqaaday isagoo gacantii Cuthmaanna sidii weli u haya waxuuna yiri:- Alloow!! maqal oo ka marag noqo, Alloow!! maqal oo ka marag noqo, Alloow!! maqal oo ka marag noqo, Alloow waxii qoorteyda saarnaa waxan saaray qoorta Cuthmaan.

Markaa buu masjidkii ciriiri dhaafay oo dadkiina ay isku ciriiriyeen beycadii Cuthmaan, Calina waxuu kamid ahaa dadkii ugu horeeyay ee la mubaayacooda. C/Raxmaan bin Cowf isagu waxuu fadhistay mimbarka darajadii uu Rasuulka SCW fadhiisan jiray, Cuthmaanna waxuu fadhiistay darajada ka hooseysa ee saddexaad halkaasoo uu dadka beycada uga qaadayey, dhammaanna dadkii waa ay la mubaayacoodeen.

Culimada mu’arrakhiinta ah ee ku takhasusay cilmiga taariikha waxay isku khilaafaan maalintii lala mubaayacooday Cuthmaan,waxuuna Al imaam Waaqidi kasoo weriyey qaar kamid ah Shuyuukhdiisa in Cuthmaan lala mubaayacooday maalin Isniin oo ay ka dhimantahay bisha Dil Xijjah hal habeen sanadkii 23aad ee hijriyada, khilaafadana waxuu qabtay billawgii Muxarram sannadkii 24aad ee hijriyada, waana werin aad u liidata.

Seyf bin Cumar waxuu kasoo weriyey Caamir ibnu Shicbi inuu yiri:- Waxay ahlu shuurada isku raaceen Cuthmaan iyadoo bisha Muxarram ay 3 casho ka dhimantahay sanadkii 24aad ee hijriyada, markaa buu waqtigii Casirka dadka kusoo baxay iyadoo uu mu’addinkii Suheibna addimay waxuuna yimid inta u dhaxeysa aadaanka iyo eeqaamka, markaa buu salaaddii Casar dadka tujiyey.

Markii la doortay Cuthmaan waxuu aaday daartii ahlu shuurada oo uu dadkii halkaa joogay la soo mubaayacooday illaa laga baxa salaaddii Duhurkana waxaa socotay baycada, maalintaana waxaa Duhurka dadka tujiyey Suheib bin Sinaan, markaa buu Cuthmaan yimid, salaad uu tujiyana kadib markii la doortay waxaa u horeysay salaadda Casarka, sidaa waxaa xusay Shicbi iyo culima kaloo .

Markii Cuthmaan la doortay waxuu halkaa ka jeediyay khudbo cajiib ah oo aynu qoraal kusoo koobi karin, taasoo uu dadkii si wanaagsan ugula hadlay uuna ugu dar daarmay cabsida Allaah.

Sida uu Shicbi tilmaamaya markii la doortay waxuu u siyaadiyey ciidamadii Muslimiinta mushaharkii oo uu qof waliba ugu daray 100 Dirham lacagtii uu horey ugu qoray Cumar, dhanka kalena waxuu u siyaadiyey labadii Dirham oo uu Cumar horey ugu qoray Muslimiinta beytul maalka in laga siiyo waqtiga Ramadaanka, waxuuna mishahar gooni ah u qoray hooyooyinkii Mu’miniinta (dumarkii Rasuulka SCW), waxuuna amray in masjidka la dhigo hilib soolan si ay u cunaan dadka ku ictikaafaya masjidka, kuwa ku cibaadeysan, kuwa musaafiriinta ah oo safarka ku jira, masaakiinta iyo fuqarada. Waxuuna mararka qaar arrimaha ku meel marin jiray hantidiisii gaarka ahayd maadaama uu ahaa saxaabi taajir ah, oo had iyo goorna jeclaa inuu jidka Alle wax kula baxo.

Abuu Bakar Sidiiq isagu waxuu fadhiisan jiray hal darajo ka hoosa goobtii uu Rasuulka SCW mimbarka ka fadhiisan jiray,Cumarna hal daraja ka hoosa goobtii uu Abuu Bakar fadhiisan jiray balse waqtigii Cuthmaan markii la doortay waxuu yiri:- Arrintaan waa wax dheer oo sii dheeraanaya. Markaa buu fadhiistay goobtii uu Rasuulka SCW fadhiisan jiray.

Dowladdii Cuthmaan & Wax Qabadkeedii

Waxaan isku dayeynaa inaan soo koobnaa dhacdooyinkii iyo dhul furashooyinkii waqtii Cuthmaan dhacay, waxaana u tixraaci doonnaa nidaam inoo suura gelinaya inaan si kooban oo fudud ku fahmno, innagoo sanad waliba dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee dhacay mar soo qaadaneyno, waxaana ka bilaabeynaa sanadkii 24aad ee hijriyada, kaasoo ah sanadka la doortay illaa laga gaaro sanadka 35aad ee hijriyada markii ay Cuthmaan dilayeen fidna wadayaasha, waxaana usoo koobi doonnaa sida tan:

SANADKII 24AAD

Billawgii sanadkan ayuuba xilka qabtay Cuthmaan, arrintii ugu horeysay ee uu xukmiyana waxay ahayd qadiyaddii Cubeydiillaah bin Cumar bin Khadaab.

Cubeydillaah bin Cumar bin Khadaab waxuu dilay dhammaan dadkii ka dambeyay falkii lagu dilay aabahii Cumar bin Khadaab, waxaana kamid ahaa dadkii uu dilay nin Nasraani ah oo la oran jiray Jufeynah Ar Ruumi, waxuuna ku dilay seef, iyo Hurmuzaan kii masuulka ka ahaa Tastur oo waqtigii Cumar la keenay magaalada Madiina, kadib markii la soo qabtay, waxuuna muujisanayey Islaamka, hase ahaatee waxay labadanba ka dambeeyeen dilkii Cumar, waxuu kaloo Cubeydullaah dilay gabadh uu dhalay Abuu Lu’lu’ah- Feyruus Al Majuusi, kaasoo ahaa ninkii dilay Cumar, markiina uu Cubeydilaah falkaan ku dhaqaaqay baa Cumar intuusan dhiman waxuu amray in la xiro oo lixda nin ee ahlu shuurada koodii arrinkan masuuliyadda ah loo doorta uu xukmiya. Markiina Cuthmaan la doortay oo uu u fadhiistay qadiyaddan Cubeydillaah buu Cali tilmaamay in caddaaladda lagu xukmo oo wuxuu amray qisaas ahaan, hase ahaatee Muhaajiriintaa baa ka qayliyey arrinkaas oo yiraahdeen:- Shalay baa aabahii la dilay, isaguna ma maanta baa la dili?

Camar bin Al Caas baa markaas u tilmaamay Cuthmaan in uu iska cafiyo Cubeydullaah

maadaama ragga uu dilay ay aahayeen raggii ka dambeyay dilkii aabahiis, muddo markii arrintaa laga doodayeyna waxaa dhulka Furus dhanka magaalada Tastur ka timid gabar Faarisiyad ah oo Muslimtay , waxayna tilmaamtay in Hurmuzaan markii Madiina uu soo aadayay uu goostay siduu Cumar ku dili lahaa, dabeeta Cuthmaan wuu iska cafiyey Cubeydillaah oo jidkiisii u daayey. Intaa kadib Siyaad bin Lubeyd Al Bayaadi ayaa mar waliba oo uu Cubeydillaah arko waxuu tirin jiray tix gabay ah oo tilmaameyso falkii Cubeydullaah, dabeetana uu Cubeydillaah dhibsaday arrinkaa waxuna uga eed sheegtay amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan oo kala hadlay inuusan mar dambe sidaa ku oran wuuna iska daayey.

Intaa kadib amiirkii Mu’mininta Cuthmaan bin Cafaan waxuu warqado u diray gobaladii, taasoo uu ku amraya madaxdooda wanaagga oo uu kaga reebayo xumaha, uuna u dar daarmayey cabsida Allaah, waxuu kaloo amray in loo hoggaansama daacadda Allaah iyo daacadda Rasuulkiisa SCW.

Sanadkaan dhexdiisa baa sida uu Ibnu Jariir qabo uu Cuthmaan bin Cafaan ka casilay Muqiirah bin Shucbah magaaladii Kuufa oo uu booskiisiina ku baddelay Sacad bin Abii Waqaas, waxuuna ahaa masuulkii ugu horeeyay ee uu waali ka dhigo, sababtuna waxay ahayd Cumar bin Khadaab markii uu middidii ku dhuftay gaalkii Abuu Lu’lu-ah ayuu lixdii ahlu shuurada ku yiri:- Haddii Sacad la doorta waa haggaag, haddiise ay sidaa noqon weyda, midkiinna la doorta hala tashado Sacad, waayo ugumanan casilin Kuufa inuu xilkisii kasoo bixi wayey. Markaa buuna Cuthmaan Kuufa masuul uga dhigay, waxuuna Sacad masuul ka ahaa halkaas sanad ama sanad iyo bar, sida uu Ibnu Jariir qaba, kadibana wuu ka casilay Sacad oo uu masuul uga dhigay Al Waliid bin Cuqbah bin Abii Muceyd oo dhanka hooyada Cuthmaan walaal kala ahaa.

Sanadkaan dhexdiisa buuna Al Waliid ku duulay Aderbijaan iyo Armiiniya kadib markii dadkoodii ay buriyeen heshiiskii ay horey ula galeen Muslimiinta waqtigii Cumar, sidanna waxaa qabta werinta Abuu Mikhnaf. Werin kalase waxay qabtaa in dhacdadaan ay ahayd sanadkii 26aad ee hijriyada sida ay qabaan Ibnu jariir iyo qeyrkiis.

Sanadkaan bayna Ruumaniyiinta kusoo duuleen Shaam jeer ay dadkii ahlu Shaam nafahooda u yaabeen, markaa bay amiirkii mu’miniinta Cuthmaan warqad u direen ay kaga gurmad dalbanayaan, isaguna waxuu warqad u diray Al Waliid oo uu ku leyahay:- Haddii ay warqaddeyda kuu timaaddo u dir ciidan 8000 ama 9000 ama 10 000 oo ciidan ah dhanka walaaladiina ahlu Shaam, waxaadna masuul uga dhigtaa ciidankaas nin aamin ah oo sharaf badan misna geesi ah. Markaa buu Waliid ka dhex kacay dadkii oo u khudbeeyay kuna dul akhriyey warqaddii amiirka mu’miniinta oo uu ku booriyey jihaadka iyo in loo gurmada walaalahooda Shaam, waxuuna ciidan culus oo 8000 illaa 10 000 u dhaxeya oo uu masuul uga dhigay Salmaan bin Rabiicah u diray dhanka Shaam, waxayna isku tegeen ciidan kala oo uu hoggaaminayey Xabiib bin Maslama Al Fihri, dabadeedna waa ay is kaashadeen oo ay Ruumaniskii is heleen waxaana dhex maray dagaal qaraar,oo durbaba Illaah hiil iyo nasri ku siiyey ciidamadii Muslimiinta, halkaana waxay ka qaniimeysteen Muslimiinta qaniima culus, waxayna ka furteen daaro waa weyn iyo saro dhaadheer.

Al Waaqidi isagu waxuu qabaa kii ka soo diray ciidankaas gurmadka ahi ee uu hoggaaminayey Salmaan bin Rabiica dhulka Furus inuu ahaa Saciid bin Al Caas oo uusan ahayn Al Waliid bin Cuqbah, waxayna dhammaayeen buu yiri ciidankaas 6000 fardooleey ah, waxayna u tegeen Xabiib bin Maslama Al Fihri, dabeetana waxay is heleen Al Mowriyan Ar Ruumi oo wata ciidan dhan 80 000 kun oo iskugu jira Ruum iyo Turki, waxaana dhex maray dagaal daran oo uu Alle guul iyo nasri ku siiyey Muslimiinta.

Waxaa la isku khilaafaa sanadkaan qofkii xajiyey dadka sida uu leeyahay Ibnu Jariir, waxaana la sheegaa inuu dadka xajisiiyey C/Raxmaan bin Cowf oo uu Cuthmaan arinkaa amray, waxaa kaloo lasheegaa inuu Cuthmaan xajisiiyey, hase ahaate waxaa xaqiiqda udhaw in uu ahaa C/Raxmaan bin Cowf ka xajiiyey. Isla sanadkaan buuna Abuu Muusa Al Ashcari furtay magaalada Rayi mar kale kadib markii ay dadkeeda jebiyeen heshiiskii ay horey ula galeen Xudeyfah bin Al Yamaan waqtigii Cumar.

SANADKII 25AAD

Sanadkan bay reer Aleskandariya buriyeen ballantii ay horey ula galeen Muslimiinta, waxaana u sabab ahaa in boqorkii Ruumaanka uu doonyo ciidama ah kusoo xirtay dhulkooda, dabadeedna ay u maleeyeen inuu u gar gaaraya, sidaana ay ku buriyeen ballantii iyo jisyadii ay horey kula heshiiyeen Muslimiinta. Bishii Rabiicul Awal ee sanadkan baa lagu furtay dhulkoodi xoog, hase ahaatee magaaladii waxaa lagu furtay heshiis. Sanadkan buuna Camr bin Al Caas udiray dhulka Maghrib C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax Al Caamiri, waxuuna Ibnu Sacad bin Abii Sarax horey uga sii idan dalbaday inuu kusii duullo dhulalka waqooyiga Afrika, Camarna wuu u idmay. Sida uu qaba Seyf bin Cumarna sanadkan buu Cuthmaan ka casilay Sacad magaaladii Kuufa oo uu booskiisii masuul ka dhigay Waliid bin Cuqbah. Isla sanadkan dhexdiisa buuna Mucaawiya furtay Xusuun, oona loo dhalay wiilkiisa Yaziid bin Mucaawiyah. Sanadkanna waxaa dadka xajiyey Cuthmaan bin Cafaan Illaahay haka raalli noqdee.

SANADKII 26AAD

Sanadkan ayuuna amiirkii Mu’miniinta Cuthmaan bin Cafaan amray in la cusbooneysiiya masjidka Xaramka tiirarkiisa, oo uu waasiciyey, oo uuna ka casilay Sacad magaaladii Kuufa sida uu Al Waaqidi qaba booskiisiina uu ku beddalay Al Waliid bin Cuqbah, sababta uu uga casilayna waxay ahayd in isaga (Sacad) iyo C/llaahi bin Mascuud ay arrin beytul maalka kusaabsan isku qabsadeen oo arrini ka dhex dhacday markaas buu Cuthmaan labaduba u yeeray oo uu Sacadna ka casilay Kuufa, baddalkiisiina uu u diray Al Waliid oo Cumar bin Khadaab masuul uga ahaa galbeedka jaziiradda, markiina uu Al Waliid tegay magaaladii waxaa soo dhaweyay dadkeedii waxuuna masuul ka ahaa muddo shan sano ah oo albaabkiisuna ma uusan xiri jirin, waxaaba la sheegaa inuusan lahayn albaab. Sanadkan buuna Cuthmaan bin Abil Caas Ath Thaqafi furtay Saabuur oo uu ku furtay heshiis inay bixiyaan 303 000 000 (saddex boqol iyo saddex kun oo kun), waxaana dadka xajiyey sanadkaan Cuthmaan bin Cafaan sida uu xusay Al Waaqidi.

SANADKII 27AAD

Waxay yiraahdeen Al Waaqidi iyo Abuu Macshar:- Sanadkan ayuu Cuthmaan ka casilay Camr bin Al Caas imaaradii Masar oo uu masuul uga dhigay baddalkiisa C/llaah bin Sacad bin Abii Sarax, dhanka nuugmada ayayna walaalo ku ahaayeen Cuthmaan iyo C/llaahi, waana ninkii uu Cuthmaan Rasuulka SCW uga shafeec qaadayey maalintii furashada Makka, waxuuna ahaa markaa mid kamid dadkii uu Rasuulka SCW dhiiggooda banneeyay maalintaas. Hase ahaate markii dambe wuu soo laabtay oo uu wanaagsanaaday waxuuna ahaa nin taqi ah oo cibaada iyo Alla ka cabsi iyo subanaan badan leh.

Duullaankii Waqooyiga Afrika

Isla sanadkan buuna Cuthmaan soo amray C/llaahi bin Sacad inuu ku duullo dhulka waqooyiga Afrika, wuxuuna amray haddii uu Alle u furo in khumuska qaniimada uu shan meelood u qeybiyo, dabeetana qeyb kamid ah uu asaga qaato. Markaasuu dhaqaaqay asagoo wata 20 000 oo ciidan ah, waxuuna ku furtay si fudud oo uu ka dilay khalqi badan, kadibna waxay u qoor keeneen daacadda Islaamka , wayna wanaagsanadeen, waxuuna C/llaahi ka bixiyey khumuskii qaniimadii uu meeshaas ka helay oo inta qumuskii shan u qeybiyey ayuu saamigiisii ka qaatay, intii kalena uu u qeybiyey ciidankii Muslimiinta, afar meel oo kamid ah khumuskii qaniimaduna wuxuu u diray dhankii Cuthmaan. Waxuuna helay ninkii faras watay 3000 kii lugeynayeyna 1000 Dirham.

Duullaankii Andulus

Markiina la furtay waqooyiga Afrika ayuu Cuthmaan u diray dhanka Andulus C/llaahi bin Naafic bin Qeys Al Fihri iyo C/llaahi bin Naafic bin Al Xuseen Al Fihri, si ay ugu duulaan, waxuuna u tilmaamay haddii ay furtaan oo uu Alle si dhaqsi ah u fura inay ka qeyb qaadan karaan ciidamada Muslimiinta ee ku duuleya Qusdandiin, dabeeta waxay dhaqaaqeen jihadii loo diray wayna furteen Alle mahaddii.

Dagaalkii Subayddilah

Markii ay ciidamadii Muslimiinta aadeen waqooyiga Afrika, iyagoo tiradoodu ay tahay 20 000, uuna hoggaaminaya C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax, oo ay ciidamadaasina la socdaan Cabdillaahi bin Zubayr iyo Cabdillaahi bin Cumar, baa boqorkii Barbariyiinta ee la oran jiray Jurjeer uu arrintaasi ka war helay, dabeetana wuxuu soo dhaqaajiyey 120 000 oo dagaalyahanno ah, waxaa kaloo la sheegaa 200 000, markaa bay labadii col kulmeen, oo ay isasoo hor dageen. Dabeeta Jurjeer, markii uu arkay tira yarida ciidamada Muslimiinta ayuu amray in isweer lagu sameeyo, markaas bayna Muslimiintii mowqif aanay horay mid lamid ah u istaagin istaageen, oo cabsi darani soo wajahday, xaaladdiina ay ku darraatay. Cabdillaahi bin Zubayr oo ciidamada Muslimiinta la socday markaas ayaa wuxuu eegay dhanka boqorka oo taagnaa gaadada dambe ee ciidankiisa, isagoo markaana ay laba jaariyadood oo baalasha daa’uuska sido ay garba taaganyahiin.

Markaas buu C/llaahi bin Zubayr u tegey C/llaahi bin Sacad amiirkii ciidamada Muslimiinta oo uu ka dalbaday inuu ku daro niman geesiyaal ah oo halyeeyo ah oo waardiyeeyo, si uu asagu weerar ugu qaado boqorka. Markaas buu C/llaahi bin Sacad u xulay rag halyeeyo ah oo ilaaliyo, dabeetana Ibnu Zubayr wuxuu abbaaray dhankii boqorka asagoo dhex jibaaxayaya safafka Barbariyiinta oo ay iyana maleeyaan inuu boqorka fariin u wado, sidaa darteed bay dhabbada u beydheen. Markii uu C/llaahi ku dhawaaday boqorkii buu boqorku dareemay inuuna kheyr u wadin oo uu shar la maagan yahay, markaas buu damcay inuu cararo, balse C/llaahi baa inta ka daba tegay warankiisa la riday, dabeetana seefta unuunka ugu dheereeyey. Kadibna warankii ayuu madaxii inta suray kor uqaatay asagoo takbiirsanaya. Barbariyiintii arrinkaasi iyo wixii helay boqorkooda markay arkeen jaanta ayay rogteen oo way carareen. Muslimiintuna firxadkooda ayay sii eryanayeen oo ay laaynayeen wixii ay karaan.

Way Muslimiintii cadawga ka laayeen tiro aad u badan, qaniima badanna way ka furteen, dumar iyo carruur badanna way ka qafaasheen. Wuxuuna dagaalkani ka dhacay meel la yiraahda: Subaydhilah, oo 70 mayl u jirta Qayrawaan. Halkaasi waxay ahayd meeshii ugu horreysay ee uu C/llaahi bin Zubayr kusoo caan baxa Illaahay haka raalli noqdee.

Sida uu leeyahay Al Waaqidi sanadkan baa mar kale la furtay Isdhakhar oo uu furtay Cuthmaan bin Abil Caas Ath Thaqafi. Sidoo kale isla sanadkan buuna Mucaawiya ku duulay Qinsiriin. Waxaa dadka xajiyey sanadkan Cuthmaan bin Cafaan.

SANADKII 28AAD

Sanadkan bay ahayd

Furashadii Qubrus

Sanadkan baa la furtay sida uu Ibnu Jariir xusay uuna Al Waaqdi ku raacay, waana Jaziirad kaligeed kutaal bartamaha badda daanta galbeed ee Shaam. Waxay ahayd dhul leh kheyraad aad u wanaagsan, waxaana ku yiillay beero iyo buuro aad u wanaagsan, waxaanay lahayd fawaakih iyo nimcooyin badan iyo macdan, waana dhul aad u wanaagsan. Waqtigii Cumar bin Al Khaddaab ayuu Mucaawiya ka codsaday inuu u idmo inuu ku duulo Jaziiraddaasi, balse Cumar wuu diiday, waayo horay ayuu uga dhaartay inuu ciidama Muslimiin ah badda ku diro. Sidaa darteed buuna Mucaawiyah isaga aamusay. Markii la doortay Cuthmaan bin Cafaan ayuu misna Mucaawiyah mar kale ka dalbaday inuu Cuthmaan u idmo inuu Jaziiraddaasi ku duulo, kadibna wuu u idmay. Markaas buu Mucaawiyah ku dhaqaaqay dhankeeda asagoo ay la socdaan rag karmeedyo kamid ah saxaabadii Nebiga SCW oo ay kamid ahaayeen Cubaadah bin Saamit iyo xaaskiisii Umu Xaraam bint Milxaan iyo kuwa kale Illaahay haka raalli noqdee.

Rasuulka Alle SCW ayaa maalin seexday gurigii Umu Xaraam bint Milxaan, waqtigii xayaatadiisa, saa wuxuu soo baraarugay asagoo qoslahaya, markaas bay Umu Xaraam weydiisay:- Maxaa kaa qoslinaya Rasuulkii Alloow!? Suu yiri:- Dad kamid ah umaddeyda ayaa laysoo bandhigay ayagoo badda kudul safraya, oo la moodo boqorradii badda ku guureyn jiray? Markaasay tiri:- Rasuulkii Alloow! Illaahay ii bari inuu iga mid yeelo ayaga (dadkaas)? Markaasuu yiri:- Adigu kamid baad tahay.

Dabeeta mar kale buu seexday oo sidii oo kale soo baraarugay asagoo qoslahaya, markaasay su’aashii hore mid lamid ah weydiisay, suu asagiina sidii oo kale ugu jawaabay. Markaasay tiri:- Rasuulkii Alloow! ii bari Alle inuu iga mid yeelo? Markaasuu yiri:- Adigu kuwa horaad kamid tahay. Duullaankan ayay la socotay Umu Xaraam bint Milxaan oo ayna ku geeriyootay Illaahay haka raalli noqdee.

Mucaawiyah bin Abii Sufyaan iyo ciidama culus oo uu hoggaaminaya ayaa waxay ka dhaqaaqeen Shaam iyagoo ku jiheysan dhanka Jaziiradda Qubrus. Waxay ku gudbeen asaga iyo ciidamadiisii maraakiib oo ay gaareen jaziiraddii. C/llaahi bin Sacad bin Abii Saraxna wuxuu ka soo galay dhanka galbeedka asagoo ka yimid waqooyiga Afrika, markaasay labadii qolo ku kulmeen goobtaas, oo dadkii baladka iyo Muslimiintii dirir darani dhex martay, markaasay Muslimiintii ka laayeen cadawga tiro badan, kana qafaasheen in badan oo kamid ah dumar iyo carruur, hanti badanna ka furteen qaniima ahaan. Dabeeta waa ay la heshiiyeen, wuxuuna Mucaawiyah kula heshiiyey 7000 oo Diinaar inay sanad waliba bixiyaan.

Markii ay ciidamada Muslimiinta soo laabanayeen, baa Umu Xaraam bint Milxaan loo keenay baqasheeda (ama awrkeeda) dabeetana markii ay fuushay ayay ka dhacday oo qoorta u laabmatay, kadibna waa ay geeriyootay Illaahay haka raalli noqdee. Halkaas ayaana lagu aasay, Ilaa maantadanna wuu ku yaal qabrigeeda meeshaas oo waa caan, wayna weyneeyaan, oo waxay yiraahdaan:- Waa qabrigii haweeneydii saalixadda ahayd.

Isla sanadkaan baa sida uu Al Waaqidi xusay uu Xabiib bin Maslama Suuriya kaga duulay dhulka Ruumaanka,sanadkan buun Cuthmaan bin Cafaan guursaday Naa’ilah bint Faraafizah oo markii hore Nasraaniyad ahayd hase ahaatee Muslimintay ka hor intuusan la aqal galin oo gurigiisiina uu ka dhistay goobta la yiraahda Az Zawraa oo kamid ah magaalada Madiina, sanadkanna waxaa dadka xajiyey amiirkii Mu’miniinta Cuthmaan bin Cafaan.

SANADKII 29AAD

Sanadkan dhexdiisa ayuu Cuthmaan ka casilay Abuu Muusa Al Ashcari magaaladii Basra kadib markii uu masuul ka ahaa muddo 6 sano ah, waxaa kaloo la sheegaa saddex sano, waxuuna masuul uga dhigay baddelkiisa C/llaahi bin Caamir bin Kureys bin Rabiicah bin Xabiib bin C/Shams oo uu dhalay abtigiis Caamir bin Kureys, waxuna isugu daray ciidamadii Abuu Muusa Al Ashcari iyo kuwii Cuthmaan bin Abul Caas Ath Thaqafi, waxuuna jiray markaa C/llaahi bin Caamir 25 sano oo qura, waxuuna magaalada Basra masuul ka ahaa muddo 6 sanadood ah.

Sanadkan buuna C/llaahi bin Caamir furtay dhulka Faaris intii ka dhinneed sida ay qabaan Al Waaqidi iyo Abuu Macshar, hase ahaatee Seyf bin Cumar waxuu leeyahay waxaa la furtay sanadkan ka hor Walaahu aclam.

Sanadkan buuna Cuthmaan bin Cafaan waasiciyey masjidkii Rasuulka SCW ee Madiina, asagoo ku bixiyey hantidiisii gaarka ahayd, sida werrinnada qaar qabaan, dhererkiisuna waxuu ka dhigay 160 dhudhun ballaciisuna 150 dhudhun waxuuna usameeyay lix albaab, waxuuna billaabay dhismahiisa bishii Rabiicul Awal ee sanadkan gudahiisa.

Isla sanadkaan buuna Cuthmaan dadka xajiyey isagoo looga dhisay kheymad ( teendho ) xajka, waxayna ahayd teendhadii ugu horeysay ee qof loogu dhisa, waxuuna taam yeelay sallaadii oo uu tukaday afar rakaco, iyadoo qaar kamid saxaabada sida Cali, C/Raxmaan ibnu Cowf iyo Ibnu Mascuud ay ku qabsadeen arrinkaas.

SANADKII 30AAD

Sanadkan dhexdiisa buu Saciid bin Al Caas furtay Dhabaristaan sida ay yiraahdeen Al Waaqidi, Abuu Macshar iyo Al Madaa’ini, waxuuna ahaa qofkii ugu horeeyay ee ku duula.

Seyf bin Cumar-se waxuu xusay inay reer Dhabaristaan horey ula heshiiyeen Suweyd bin Muqarrin waqtigii Cumar bin Khadaab.

Sida uu Al Madaa’ini qaba ciidan uu hoggaaminaya Saciid bin Al Caas ayaa ku duulay Dhabaristaan, waxaana ciidankaas la socoday Al Xasan iyo Al Xuseen inamadii Rasuulka SCW uu awoowga u ahaa iyo Xudeyfa bin Xasiil bin Jaabir (Xudeyfa ibnu Al Yamaan) iyo qaar kamid ah saadaaddii iyo akhyaartii saxaabada, markaa baa meeshii ay sii maraanba waxay kula heshiinayeen jisya inay bixiyaan jeer markii dambe ay tegeen halkii ay kusocdeen ee dhulka Jurjaan agteeda, waxayna is heleen acdaadii Allaah waxaana dhex maray dagaal, markaa baa waxaa la gaaray waqtigii salaadda, markaas bay u baahdeen inay tukadaan salaadda cabsida (Salaatul Khowf), markaa buu Saciid wax ka weydiiyey Xudeyfa siduu Rasuulka SCW u tukan jiray? Asagiina wuu u sheegay oo ay tukadeen Salaatul Khowf. Dabadeed si dhaqsi ah ayuu Alle nasri iyo guul kusoo dejiyey, waxaana halkaa ku guuleystay ciidankiisii waxaana qasaaray kuwii kasoo horjeeday oo jabay, markaa bay Muslimiintii qaniimeysteen qaniima culus oo ayna ka furteen guryo iyo daaro waa weyn.

Sanadkan ayuu amiirkii Mu’miniinta Cuthmaan Ibnu Cafaan ka casilay Al Waliid magaaladii Kuufa waxuuna masuul uga dhigay Saciid bin Al Caas, sababta uu uga casilayna waxay ahayd subax buu Al Waliid dadkii tujiyey salaadii fajar afar rakacadood, markaa buu intuu kusoo jeestay ku yiri:- Ma idiin siyaadiyaa salaadda? Arrintaas baa Cuthmaan loo sheegay markaa buu ka casilay oo magaaladii Madiina uu uga yeeray, waxuuna ku xukmay in la jeedalo, waxaana waxyaabahii xulliyada ee qur qurxanaa ee uu ku lebbisnaa ka siibay Cali, markaa buu Saciid bin Al Caas ku jeedalay amiirka hortiisa.

Isla sanadkan waxaa lumay faraantigii Rasuulka SCW oo ku lummay gacanta amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan, xilli uu ku sugnaa ceelka Ariis (Bi’ru Ariis) oo uu kaga lumay, in kastoona la isku dayay in la raadiya misna waala heli waayey, oo waxaa laga gaaray heer quus ah , markaa buu Cuthmaan sameystay faraanti kale oo uu ku naqshadeeyay ” Muxammadun Rasuullullaah ”. Waxuuna u ahaa tiimbara oo warqadaha uu qora ayuu ku tiimbareyn jiray.

Isla sanadkan buu Cuthmaan bin Cafaan kasoo wareejiyey Abuu Dar magaaladii Dimishiq kadib markii ay arrin ka dhex dhacday isaga iyo Mucaawiyah, arrintaana waxay ahayd Abuu Dar baa ku inkiray reer Shaam iyo Mucaawiyaba hantida ay keydsadaan iyo daaraha ay dhisanayaan. Markiina asaga iyo Mucaawiya arrintaasi isku qab qabsadeen buu Mucaawiyah uga dacwooday amiirkii Mu’miniinta oo markii dambta asaga inta Madiina uga yeeray, ayuu Abuu Darna tagay, dabeetana amiirkii Mu’miniinta ayuu ka idin dalbaday inuu dego waadiga Al Rabdah Cuthmaanna wuu u idmay, halkaasoo uu ku geeriyooday sanadkii 33aad.

Sanadkan buuna Cuthmaan ku siyaadiyey maalinta Jumcada aadaanka hore waxuuna amray in lagu aadaama suuuqa Az Zowraa, waxaana dadka xajiyey sanadkan Cuthmaan bin Cafaan.

SANADKII 31AAD

Sanadkan buu dhacay

Dagaalkii Daatu Suwaari

Mucaawiyah bin Abii Sufyaan baa wuxuu sanad weliba xilliga xagaaga ahi weerari jiray Ruumaanka, oo dad badna ka layn jiray, hanti badanna ka qaniimeysan jiray. Markii uu C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax uu waqooyiga Afrika weeraray ee uu laayay khalqi badan oo kamid ah Barbarkii iyo Faranjigii la socday ayay Ruumaankii sanadkan soo direen ciidama culus, oo uu hoggaaminaya Qustandiin bin Hiraqal, waxayna aadeen dhankii Muslimiinta iyo ciidamadii C/llaahi bin Sacad. Waxay Ruumaanku ku yimideen cadad aanan horey loogu arag, waxayna kusoo galeen 5 markab oo waaweyn oo dagaalyahanno ah. Cabdillaahi bin Sacad bin Abii Sarax markii uu arrintaasi ka war helay buu ciidamadii Muslimiinta ee kusugnaa Bilaadu Maghrib lasoo kacay, oo soo abbaaray dhanka cadawga. Intaa dadabadeed waxay labadii qolo ku kulmeen badda, oo habeen is dul degnaayeen. Ruumaanku habeenkaas oo idil waxay ku baryootamayeen diintooda iyagoo qisisiintooda ay u duceynayeen. Muslimiintuna habeenkaasi waxay akhrinayeen Quraanka iyo dikriga Alle.

C/llaahi bin Sacad raggiisii ayuu safay oo diyaariyey habeenkaasi, Ruumaankuna waa ay iskeeneen. Markaa bay labadii qolo is hor timid. Muslimiintii waxay dalbadeen in banaanka laysula baxo, balse Ruumaankii oo horey u ogaa wixii banaanka ku qabsan jiray, dhegahooduna ay kasii guuxayaan guul darrooyinkii looga bartay xaggooda, iyo jabka uga yimaada had iyo jeeraale dhanka Muslimiinta, ayaa waxay markaan is tusiyeen inay badda ku dagaallamaan. Waxay markaasi ku rajo weynaayeen inay maalintaasi Muslimiinta badda kaga adkaan doonaan. Dabeetana halmar ayay dhankii Muslimiinta weerar kusoo qaadeen iyagoo leh:- Biyaha!! biyaha!!.

Markaas buu dagaal darani dhex maray oo seefaha laysla dhacay, oo dirir darani dhex martay. Muslimiintuna maalintaas waxay sabreen sabar aad u xeel dheer, iyagoo sugnaaday oo diriray dirir daran, heer dagaalkii uu ku darnaaday, khalqi badanna laga dilay dhanka Muslimiinta, intaas toban jibaarkeed ayaana cadawga laga laayey, heer biyihii ay noqdeen liciy dhiig ah. Markaas buu nasrigii Alle yimid oo cadawgii jabeen, Qustandiinna wuu jabay asaga iyo raggiisii wixii la badbaaday, isagiina dhaawac ayuu la fakaday kasoo gaadhay garabka. Ciidamadii Muslimiinta waa ay guuleysteen, halkaas waxay ka heleen qaniimo culus, maalmo ayuuna C/llaahi bin Sacad halkaas ku sii sugnaa. Kadibna waa uu rartay oo wuxuu aaday dhulkiisii. Ciidamadaasi waxaa la socday Maxamed bin Abii Bakar iyo Maxamed bin Abii Xudayfah, waxayna labadani wiil billaabeen inay Cuthmaan wax ka sheegaan, iyagoo waxyaaba dhowr ah ku eedeynayay. Waxaana kamid ahaa arrimahii ay ku eedeynayeen in C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax oo waqtigii Nebiga SCW riddoobay, haddana toobad keenay uu ciidan dhan masuul uga dhigo. C/llaahi bin Sacad dhowr mar ayuu ku canaantay inay kajoogaan waxyaabaha ay la wareegayaan.

Isla sanadkan buuna Xabiib bin Maslama furtay Armiiniya oo idil sida uu yiri Al Waaqidi,waxaana la dilay sanadkaan boqorkii Kisraa (Furus) ee ugu dambeeyay kaasoo la oran jiray Yazdajrid, waxaana dilay nin uu gurigiisa ku hoyday oo degan xuduudda Turki iyo Persia, kaasoo markii uu seexday kurka ka jaray, Rasuulkuna SCW isagoo tilmaamaya inuusan jirin boqor Faaris oo idil u talin doona mar hadduu Kisra halaagsama waxuu yiri:”Haddii uu Qeysar (Boqorka Ruum) halaagsama Qeysar ka dambeeya ma jiro, haddii uu Kisraa (Boqorka Furus) halaagsamana Kisra ka dambeeyo ma jiro , Illaah baan ku dhaartaye waxaad keydadkooda u isticmaali doontaan jidka Alle”.Xukunka Yazdajrid waxuu ahaa 20 sana, afar sano oo qura ayuuna si caadi u dagnaa inta kalena waxuu ku jiray carar iyo fiig uu ka fiigayey Islaamka iyo ehelkiisa, xitaa mar ay ku yiraahdeen ciidankiisii:”Aan dhulkeennii ku laabanno oo aan diinta Islaamka qaadanno mise deris wanaag kula noolaano , oo aan u tegno dadkeennii iyo ahaladeenii , waxuu uu ka diiday, aakhirkiina waxuu Alle xukmay inuu nin reer miyi ah habeen madoow isagoo hurda kurka ka yaro, waana sidaa abaal marintiisa.Boqor Qaaqaan boqorkii Turkiga ayaa soo diray ciidan dabadeedna sanduuq intay intay ku rideen meydkii Yazdajrid bay qaateen ninkii dilay iyo ehelkiisina waay laayeen.Sanadkaan buuna C/llaahi ibnu Caamir furtay dhulal badan ,waxaana dadka xajiyey sanadkaan amiirkii mu’miniinta Cuthmaan bin Cafaan.

Dilkii Yazdajrid Boqorkii Furus

Waxaanu horey usoo xusnay in looga adkaaday dhulalkiisii oo idil waqtigii Cumar bin Khaddaab oo laga saaray, dabeetana wuxuu tegay xuduudda dhulka Turkiga, halkaasoo ay kusugnaayeen asaga iyo ciidama yar oo uu watay. Dabeeta wuxuu billaabay inuu dhac iyo boob ka geysto dhulalkaas. Wuxuu wax weydiistay dadkii daganaa Marwi, markaasay u diideen, markaasuuna hantidoodii oo idil ka dhacay. Kadib waxay u cid dirsadeen boqorkii Turkida oo ay ka dalbadeen inuu ciidamo usoo diro oo ka qabta ninka nafta u keenay. Markaasuu boqorkii Turkida ee Khaaqaan uu soo diray ciidamo. Dabeeto ciidamadii Yazdajrid ayay laayeen, asagiina wuu baxsay oo aaday dhanka miyiga Marwi, halkaasoo uu kaga sii gudbay webi la yiraahda Marqaab, halkaas ayuuna degey oo uu kusugnaa labo casho. Kadib wuxuu kula kulmay nin reer miyi ah oo uu cunta weydiistay oo gurigiisa geeyey. Boqorkii dhulkaas Marwi oo la oran jiray Maahuweyh bin Baabaah ayuu warkaasi gaaray, dabeetana wuxuu soo diray dhowr ciidamo ah. Markii ay u tegeen ninkii reer miyiga ayay amreen inuu dilo ninka gurigiisa joogo, saa wuu yeelay oo uu qudha ka jaray goor uu hurdo, dabeetana madaxii ayuu ka jaray oo nimankii u dhiibay si ay boqorkooda ugu geeyaan, meydkiisiina waxay ku tuureen biyaha.

Ciidamadii Turkida oo markii horeba ku raad joogay baa markay arrintaasi maqleen, dilay ninkii iyo ehelkiisiiba, dabeetana biyahii ka soo saaray oo meydkiisii intay sanduuq ku rideen bay qaateen oo ay la aadeen dhanka Isdhakhar.

Sidaaasi ayuu boqorkii Furus ku bakhtiyey khaatumo xumo, ayadoo uu kurka ka jaray nin reer miyi ah oo uu u martiyey. Waa sidaase, weli markaasi wuxuuna ka quusanin boqortooyadiisii mar hore la boqno jaray, oo lala wareegay. Taas ayuuna weli u hanqal taagayay illeen waa mid aanan iimaan lahayne, Aakhirkiina waxay taasi dhashay inuu jid xun ku dhinta. Sidaas oo kale weeye dadka iyaguna aanan iimaanka lahayn ee boqorrada sheegta iyo madaxa, oo majecleystaan in ay xukun ka degaan ama haddii laga dejiyo ay ka sabraan. Lagama aamin aha, waayo waa midkii mar uun soo rogaal celiyo, waloow rogaal celintaasi aanay waxba u tarayn.

Wuxuu boqorkani Yazdarjid ahaa boqorkii ugu dambeeyey ee maamulo dhulka Furus oo idil, asaga mid ka dambeeyeyna ma uusan soo marin teer dahrigan.

Waxaa sanadkani dadka xajiyey amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan.

SANADKII 32AAD

Sanadkaan buuna Mucaawiyah ku duulay dhulka Ruumaanka illaa uu ka gaaray Madyaq Al Qusdandiiniyah, isagoo ay la socota afadiisa Caatikah, waxaa kaloo la sheegaa inay la socotay ooridiisii Faadimah bint Qardah bin C/Camr bin Nowfal bin C/manaaf, sidaa waxaa yiri Al Waaqidi iyo Abuu Macshar.

Diriddii Salmaan Bin Rabiicah

Sanadkan buuna Saciid bin Al Caas diray ciidan uu hoggaaminaya Salmaan bin Rabiica si ay ugu duullaan meesha la yiraahdo Baab, waxuuna sidoo kale Saciid warqad u diray C/Raxmaan bin Rabiica oo aagaas masuul ka ahaa si uu walaalkiis Salmaan ugu kaalmeeyo ciidan, markaa bay socdeen ciidamadii Muslimiinta jeer markii dambe ay dul dageen Balandar oo ay go’doomin ku qabteen, waxayna rakibeen maalintaa iyada ah manjaaniiq si ay ugu duqeeyaan dadka reer Balandar, markaa bay reer Balander usoo baxeen waxaaana dhex maray dagaal aad iyo aad u daran, waxaana reer Balander ay garab ka helayeen ciidama Turki ah, waxayna maalintaas u dagaallameen si la yaab leh, hase ahaatee Muslimintu waxay muujiyeen sabar iyo sugnaan badan, waxana qoobtaas looga dilay cadad aad u tira badan, oo waxaa goobtaasi kaga shahiiday tira badan, waana meeshii lagu dilay C/Raxmaan bin Rabiica. Waxaa C/Raxmaan loo yaqiinnay Dun Nuun, oo aaggaas ayuu masuul ka ahaa markii hore. Waqtigii Cumar ayuuna ku duullay Baab, sidaynu soo xusnay oo uu halkaasi gaaray. Muslimiintu maalintani way jabeen waxayna u kala jabeen laba kooxood. Koox waxay aadday dhulka Khazar iyo koox kaloo u carartay dhanka Jeeylaan iyo Jurjaan, waxaana kooxdani dhankan u carartay kamid ahaa Abuu Hureyrah Ad- Dowsi iyo Salmaan Al Faarisi.

Ciidamadii Turkiyiinta waxay horey u qaateen jirkii C/Raxmaan bin Rabiica waxuuna ka mid ahaa saadaaddii Muslimiinta iyo geesiyaashii ciidanka, waxayna ku aaseen dhulkooda, illaa maantadan waa ay ku roobdoontaan qabrigiisa. Markii la dilay C/Raxmaan buu Saciid bin Al Caas booskiisi masuul uga dhigay wakaalkiis Salmaan bin Rabiica, Cuthmaan bin Cafaanna waxuu amray in ciidan gurmad ah kasoo baxaan dhanka Shaam, kuwaasoo uu hoggaaminaya Xabiib bin Maslama Al Fihir. Markiina ay isku tegeen labadii ciidan yacni kuwii Salmaan bin Rabiica iyo kuwii gurmadka ee Shaam ka yimid ayay Xabiib iyo Salmaan isku qabteen arrinta xukunka guud ciidanka, Xabiib waxuu is tusay inuu amiirkii mu’miniinta usoo wakiishay oo Shaam kasoo diray, halka Salmaanna uu is tusayey in uu gurmad oo kaliya ku yimid, waxayna yiraahdaan culimada taariikhda:- Tani waxay ahayd khilaafkii ugu horeeyay ee ay is khilafaan reer Kuufa iyo reer Shaam.

Isla sanadkan buuna furtay C/llaahi ibnu Caamir dhulalka Marwi Ruud, Dhulaaqaan, Faariyaab, Jowuzjaan iyo Dhakhaaristaan. Ammaa Marwi Ruud waxuu C/llahi ibnu Caamir u diray Al Axnaf ibnu Qeys oo isagu go’doomiyey dabadeedna kula heshiiyey jisyo inay bixiyaan, waxuuna ka qaaday maal culus. Kadib Axnaf waxuu diray Al Aqrac bin Xaabis oo uu u diray dhanka Jowzjaan, dabeetana waxuu tegay goobtaa oo uu dagaal daran kadib furtay, waxaana Muslimiinta goobtaa looga dilay khalqi badan, kadibna Axnaf bin Qeys baa waxuu ka baxay Marwi Ruud oo waxuu abbaaray dhanka Balakh, halkaasoo uu xisaar ( go’doomin ) ku sameeyay jeer markii damba ay kula heshiiyeen inay bixinayaan jisyo ahaan maal dhan 400 000, waxuuna uga tegay ina adeerkiis Useyd bin Mashmas si uu maalkaas uga soo qaada. Halkii ayuuna Al Axnaf kasii waday howlihii militeri ee uu waday, waxaana ku galay waqtigii qaboobaha markaa buu dadkiisii ku yiri:- Maxaad ii ishaareysan, oo waa maxay ra yigiina? Markaasey ku yiraahdeen:- Horey waxuu tix gabay u yiri Camr bin Macdiyakrib

Haddaadan awoodin fulinta Shey *** Uga weeco dhanka kaad awoodda.

Markaa buu Axnaf amray in la guuro, waxuuna ku laabtay Balakh halkasoo uu ku sugnaa inta waqtigii qaboobaha laga baxayey, kadibna waa uu kasii guuray, waxuuna aaday dhankii C/llaahi ibnu Caamir.

Isla sanadkan bayna is heleen ciidama uu hoggaaminayey Qaaraan oo tiradoodu tahay 40000 iyo ciidamadii Muslimiinta oo uu hoggaaminayey C/llaahi bin Khaazim, tiradooduna waxay ahayd 4000, halkaan markii ay is heleen ciidamadaasi aadka u culus iyo Muslimiinta C/llaahi waxuu sameyay qaddo wanaagsan oo habeenkii buu dab shiday oo amray in waramada afka looga xiro dabka, dabeeta baa acadaadii Alle uu Illaah quluubta rucbi iyo argagax uga tuuray, kaidb markay arkeen iftiinka tirada badan ee muuqda, oo ay u maleeyeen ciidamo culus, dabada ayayna jeediyeen markaa buu C/llaahi intuu daba kacay xasuuqay xasuuq daran, waxayna Muslimiintii halkaas ka qaniimeysteen qaniima badan iyo maal culus. Markiina uu C/llaahi ibnu Khaazim guushaas iyo qumuskii u diray C/llaahi bin Caamir oo uu warkiina helay buu usoo magacaabay gobalkii Khuraazaan inuu Masuul kanoqda mar kale, kadib markii uu horey uga casilay.

SANADKII 33AAD

Sanadkan ayaa la furtay Qubrus sida uu Abuu Macshar qaba, hase ahaate jamhuurka kalee culimada Mu’arrikhiinta ayaa ku khilaafay, waxayna xuseen inay aheed furashadeeda waqtigaasi ka hor, horey ayaanna usoo marnay, falillaahil xamdu.

Sanadkan buuna C/llaahi ibnu Sacad ibnu Abii Sarax ku duullay dhulka waqooyiga Afrika mar kale kadib markii ay buriyeen ballantii ay horey ula galeen.

Isla sanadkan buuna Cuthmaan qaar kamid Qurraadii reer Kuufa u wareejiyey dhanka Shaam isagoo Mucawiyana ku amray inuu soo dhaweya raggaasi. Sababtuna waxay ahayd Inay raggaasi markaas wax ka sheegayeen golahii fadhiga iyo xalaqooyinkii Saciid, waxayna ahaayeen sagaal nin oo kala ahayd: Ashtar bin Maalik bin Yaziid oo caan ku ahaa Ashtar An Nukhaci, Kamiil ibnu Ziyaad An Nukhaci, Calqamah bin Qeys An Nukhaci, Thaabit bin Qeys An Nukhaaci, Jundub bin Zuheyr Al Caamiri, Jundub bin Kacab Al Usdi, Curwah bin Jacdah, iyo Camr bin Al Xamaq Al Khusaaci. Siddeeddaasi nin iyo mid kaloonan magaciisu helin ayay ahaayeen. Markii ay nimankani billaabeen inay golahii fadhiga ee Saciid ka qayliyaan, iyagoo ku buuqaya, waxna ka sheegaya Saciid iyo weliba amiirka Mu’miniinta, ayuu markaasi Saciid warqad uqoray dhanka Cuthmaan, wuxuuna ka codsaday inuu nimankani ka qabto, markaas buuna Cuthmaan soo amray inuu u masaafuriyo dhanka Shaam iyo Mucaawiyah xaggiisa. Sidoo kale wuxuu Cuthmaan, warqad u qoray Mucaawiyah, asagoo ogeysiinaya inuu usoo diray rag kamid ah qurraadii reer Kuufa, wuxuuna ka codsaday inuu soo dhaweeyo oo dejiyo.

Markii ay Mucaawiyah u tegeen, wuu soo dhaweeyey, wuuna sharfay oo dejiyey, asagoo fulinaya amarkii amiirka Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan, wuxuuna amray inay ka waantoobaan oo ay joojiyaan fidnada ay wadaan. Balse dheg jalaq uma aanay siin waanooyinkii Mucaawiyah, oo halkoodii ayay howlahii kasii wateen. Wuxuu Mucaawiyah in badan ku qaabilay dulqaadkiisii iyo xilmigiisii xeesha dheeraa. Markiina uu kari waayey, wuu iska eryay, waxayna aadeen dhanka Jaziiradda, halkaasoo uu Masuul ka ahaa C/Raxmaan bin Khalid bin Waliid, ka horna waxuu masuul ka ahaa dhulka Ximsa, markay u tageen buu ka reebay inay ka joogaan fidnadan ay wadaan, markiina ay ka joogsan waayeen ayuu u goodiyey in uu laayn doona dhammaantood, waxayna ogaayeen dabeecaddii iyo ad adkaantii C/Raxmaan oo in badan uu aabahiis ka shabahi jiray dhankaas, markaa bay ka joogsadeen wixii ay wadeen, oo caga dhigteen.

Waxaa kaloo la sheegaa, markii uu Mucaawiyah kari waayay in uu warqad u diray dhanka amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan, markaasina uu Cuthmaan soo amray in loo celiya Saciid bin Al Caas dhankiisa iyo magaallada Kuufa. Markiina Saciid loo celiyey, way kasii dareen, markaasuu Saciid arrintaasi Cuthmaan u qoray, dabeetana, wuxuu Cuthmaan soo amray in loo diro Ximsa iyo dhanka C/Raxmaan bin Khaalid. Markiina ay u tegeen, buu C/Raxmaan u gooddiyey oo ay fidnadii joojiyeen.

Isla sanadkan buuna Cuthmaan kuwa kale oo fidna wadayaal ah ka diray Basra isagoo u wareejiyey dhanka Shaam, waxaana dadka xajiyey sanadkaan amiirkii Mu’miniinta Cuthmaan bin Cafaan.

SANADKII 34AAD

Sanadkan buu yiri Abuu Macshar waxaa dhacay duullaankii Suwaari, hase ahaatee horey ayaan u soo marnay sida ay jamhuurku isku raaceen in uu ahaa sanadkan ka hor.

Isla sanadkan bayna fidna wadayaashi ka hoos baxeen xukunkii Cuthmaan oo ay misna waxyaaba qeyra macquul ah ka sheegeen, jamhuurkooduna waxay ahaayeen reer Kuufa, oo fidnadu dhankooda bay markii horeba ka billaabatay, isla sanadkan baana loo wareejiyey dhanka Ximsa misna mar kale dhanka waqooyiga jaziirada, markii dambana waxay isugu tegeen Masar.

Raggani fidna wadayaasha ahi kuwa Kuufa iyo kuwa Basraba waxay Cuthmaan ku inkirayeen, waxyaaba dhowr ah, oo ay kamid ahaayeen inuu xil u dhiibay inama yaryar, iyo inuu katagay saxaabadii waaweyneed ee akhyaarta ahayd, iyo inuu reer banii Umayah u badiyey wax siinta, iyo in C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax uu u dhiibay imaaradda Masar iyo weliba arrima kaloo dhowr ah. Waxay iyana fidna wadayaashu Cuthmaan ka dalbanayeen inuu casila madaxda goballada oo uu rag kale u magacaabo, markiina ay arrintaasi ku adkeeyeen, buu Cuthmaan madaxdii goballada u cid diray si ay Madiina u yimaadaan oo uu ugala tashto arrinta fidna wadayaasha. Markaas baa waxaa yimid Mucaawiyah bin Abii Sufyaan oo ahaa amiirkii Shaam, Camr bin Al Caas oo isagu markaas kahor Masar masuul ka ahaa balse laga casilay- xagga salaad tujinta ayuuna u xil saarnaa. C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax oo waqooyiga Afrika illaa galbeedka masuul ka ahaa. Saciid bin Al Caas oo ahaa amiirkii Kuufa iyo Cabdillaahi bin Caamir oo ahaa amiirkii Basra.

Cuthmaan markii uu raggani madaxda ahi kala tashaday xaaladda fidnawadayaasha, baa waxay u soo jeediyeen talooyin dhowr ah.

C/llaahi bin Caamir wuxuu ku taliyey in laga mashquuliyo waxa fidna ah ee ay ku jiraan oo loo diro furumaha jihaadka, si ayba fursad ugu waayaan oo markaas ay nafahooda uun ugu mashquulaan.

Magaallada Kuufa ayay markii ugu horreysay kasoo ifbaxeen raggani fidnada wada, sidaa darteed Saciid bin Al Caas amiirkii Kuufa ayaa isaguna wuxuu ku taliyey in la laayo oo Muslimiinta looga raaxeeyo fidnada iyo sharta ay kudhex wadaan, oo sidaa ciribtooda lagu gooyo. Mucaawiyah isagu wuxuu soojeediyey in masuuliyiintu ay goballadooda isaga laabtaan, oo fidna wadayaashu warkooduna la maqal, wuxuuna ku macneeyey inay yahiin kuwa aad u itaal daran oo aanan waxba awoodi karin.

Cabdillaahi bin Sacad bin Abii Saraxna wuxuu soo jeediyey in la siiyo maal, si quluubtooda loosoo dumo oo ay dhibta iyo fidnadu u joojiyaan.

Camr bin Al Caas baa markii lasoo gaaray hadlay oo yiri:- Intaa dabadeed, Cuthmaanoow! adigaa dadka ku qasabtay waxaanay rabin, ama ka casil cidda ay nacayaan, ama u tag oo soo eeg masuuliyiintaadu waxa ay ku suganyahiin. Wuxuuna Camr ku hadlay hadallo kulkulul. Dabeetana si gaar ah buu amiirka uga cududdaartay hadalladaasi kulul, wuxuuna u sheegay inuuna sidaa u oran, wax kale ee uun ay ka ahayd in Cuthmaan uu sidaa falo, dabeetana ay fidna wadayaashu sidaa ku qancaan. Markaas buu Cuthmaanna ka raalli noqday, oo u cududdaaray.

Cuthmaan wuxuu talooyinkii ka qaatay, laba ra’yi oo ah, sidii ay laba Cabdillaahi sheegeen, labadaas arrimood ayuuna isugu daray, in lacag la siiyo iyo in furumaha jihaadka loo diro, si ay ayaga uun isugu mashquulaan.

Markii ay masuuliyiinta laabanayeen, baa Mucaawiyah wuxuu la hadlay amiirka Mu’miniinta oo uu ka dalbaday inuu Shaam u guuro, wuxuuna u sheegay in Shaam ay tahay meel dadkeedu ay madaxda adeecaan. Wuxuuse Cuthmaan ku jawaabay:- Meelna kuma baddalanaya la derisnimada Rasuulka Alle SCW.

Markaasuu Mucaawiyah yiri:- Ma kaaga soo diyaariyaa ciidama Shaam, si ay agtaada u joogaan oo ay kuugu gargaaraan?

Wuxuuse Cuthmaan yiri:- Waxaan ka cabsan inay baladkii Rasuulka SCW ku ciriiri geliyaan asxaabtiisii Muhaajiriin iyo Ansaar.

Markaasuu Mucaawiyah yiri:- Illaahay baan ku dhaartaye amiirkii Mu’miniintoow! waalagugu soo duuli.

Waxuu yiri:- Kaafigeygu waa Allaah isagaana ugu wanaag badan inta la tala saarto.

Dabeeta waa uu dhaqaaqay Mucaawiyah wuxuuna sii maray koox meel fadhida oo saxaabadii Muhaajiriinta iyo Ansaarta kamid ah. Waxaana ku jiray raggaasi Cali, Dalxa iyo Zubayr. Markaasina wuxuu Mucaawiyah watay seyftiisa oo galka kujirta iyo qaansa. Markaas buu raggii dul istaagay oo inta qaansadii ku taagsaday la hadlay hadal xeel fog. Wuxuuna kula dardaarmay inaanay ogolaan in Cuthmaan dhibi soo gaarto, oo nimanka fidna wadayaasha ahi aanay wax gaarsiin. Dabeetana waa uu dhaqaaqay.

Zubeyr bin Al Cawwaam baa hadlay markaasi oo wuxuu yiri:- Ma aanan arag maalin uu maantadan kaga heybad badanyahay. (Wuxuu ula jeedaa Mucaawiyah).

Dhanka kale Markii ay masuuliyiintii goballadii aadeen, reer Kuufa waxay is hortaageen in Saciid bin Al Caas uu galo magaalladii Kuufa. Waxayna soo qaateen hubkoodii iyo seefahoodii oo ay magaaladii ka hor istaageen, waxayna kudhaarteen inuuna soo galeyn jeer uu Cuthmaan ka casilo oo booskiisuna uu madax uga dhigo Abii Muusa Al Ashcari. Waxay Saciid iyo reer Kuufa ku kulmeen meel la yiraahda Al Jarcah oo duleedka Kuufa ah, wuxuuna maalintaasi Ashtari An- Nukhaci yiri:- Wallaahay buunan soo galeyn intaynu seefahayaga wadanno.

Saciid qudhidiisu ma uunan jecleysan inuu dib u laabto oo uu aado magaalladii Madiina, saa maxaa yeelay magaallada Kuufa masuul buu ka ahaa oo niman fidna wadayaal ah ayunbaa ka hor istaagay. Sidaa darteed wuxuu istusinayay inuu yahay amiirkii magaallada. Maalintaasi ayada ah waxaa masjidkii Kuufa ku kulmay Xudeyfah bin Al Yamaan iyo Abuu Mascuud Cuqbah bin Camr Al Ansaari. Markaas buu Abuu Mascuud yiri:- Wallee Saciid ma laabto jeer uu dhiig daata. Markaas buu Xudeyfana yiri:- Wallee wuu laaban, oo dhibic dhiig ahina ma dhici doono. Wax aan maanta ogaaday majirto illaa waxaan ogaaday Muxamed ( SCW ) oo nool.

Ula jeeddadu waxay tahay Saciid laabay oo wuxuu aaday magaalladii Madiina, asagoo halkaasi ku boqno jaray fidnadii ka carcartameysay magaalladii Kuufa. Sidaa darteed bayna reer Kuufa aad ula yaabeen siduu falay Saciid bin Al Caas. Markaasay warqad u qorteen Cuthmaan ayagoo ka dalbanaya inuu Abii Muusa Al Ashcari usoo magacaabo magaallada Kuufa. Markaas buuna Cuthmaan u yeelay sidii ay rabeen oo u magacaabbay magaalladii Kuufa Abii Muusa Al Ashcari.

Sayf bin Cumar wuxuu xusay in nin la oran jiray Cabdillaahi bin Saba oo Yahuudi ah uu muujistay Islaamka. Dabeetana aaday dhanka Masar. Halkaas wuxuu ugu waxyooday dadkii wax ma kasta ahaa ee reer Masar hadallo uu asaga keensaday oo quraafaad ah. Wuxuuna ku lahaa:- Ma waanay sugnaan Ciise ina Maryama inuu dunidan kusoo noqon doono? Markaasuu ninkood oranayaa:- Haaheey!!. Markaasuu asaguna oranayaa:- Rasuulka Alle SCW baa ka fadli badan Ciise, ee maxaad ku diideysaan inuu dunidan kusoo laabto, asaga ayaana ka sharaf badane Ciise ina Maryamee?

Misna wuxuu oranayay:- Cali bin Abii Daalib ayuu u dardaarmay (Rasuulka SCW xilka). Sidaa darteed Muxammed waa Nebiyada kii ugu dambeeyey, Calina waa kuwa loo dardaarmay kan ugu dambeeyo. Misna wuxuu lahaa:- Asaga (Cali) ayaa ka mudan xilka Cuthmaan. Wuxuu ninkani isu muujinayay inuu amraya wanaagga oo xumahana uu ka reebaya, wanaaggooda inuu ka shaqeynaya ayuuna muujisanayay. Sidaa darteed bayna bashar badan oo kamid ah reer Masar ku raaceen. Kadibna cawaantii reer Kuufa iyo fidna wadayaashii Basra ayay warqada ugu direen arrimahaasi ayagoo ku boorinaya inay u midoobaan inay arrima dhowr ah ku inkiraan amiirka Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan.

Waxaa sanadkani dadka xajisiiyey amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan. Waana sanadkii ugu dambeeyey ee uu xajiya.

SANADKII 35AAD

Waa sanadkii uu amiirkii Mu’miniinta Cuthmaan bin Cafaan dunida ka hoyday, waana sanad murugo badan ay dabooshay dadkii Muslimiinta ahaa, gaar ahaan reer Madiina. waxaa la dilay amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan, asagoo ay dileen fidna wadayaal ku eedeyay dhowr arrimood oo dhammaan sida uu Cali kaga jawaabay uusan Cuthmaan ku khaldaneyn.

Fidnadaan dilka Cuthmaan waxay ahayd fidnadii ugu horeysay ee dowladda islaamka ku dhacda, waana tan illaa hadda jirta oo dowladdii Calina waqtigiisii dhan qaadatay.

Sababta arrinkaasi waxay ahayd Camr bin Al Caas baa masuul ka ahaa dhulka Masar, sidaa darteed baanay u suuroobin in fidna wadayaashii Masar ay ku hadaaqaan waxii ay damcaan inay ka dhahaan dhanka amiirka Mu’miniinta. Waayo waxay ogaayeen ad adkaantii Camr bin Al Caas iyo inuu ciqaabi doono haddii ay ku hadlaan waxa laabahooda ka guuxayay. Sidaa darteed bayna Cuthmaan ka dalbadeen inuu Camr ka casilo oo nin asaga ka dabacsan oo ka dabeecad dagan kana naxariis badan uu u soo magacaaba.

Markaas buuna Cuthmaan ka casilay Camr masuuliyaddii Masar oo ku wareejiyey C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax. Camrna wuxuu ku daayay tujinta salaadda. Dabeeta Camr iyo C/llaahi bin Sacad bay arrini dhex martay, markaasuu Cuthmaan amray inuu Camr yimaada magaalada Madiina. Sidaa buuna kaga casilay xukunkii Masar oo idil.

Markaas bayna fidna wadayaashii billaabeen in wixii ay la aamusnaayeen soo deeyaan, oo billaabeen inay Cuthmaan wax ka sheegaan. Sidoo kale, waxay dhibsadeen in C/llaahi bin Sacad uu madax u ahaado, markaas buuna C/llaahi bin Sacad ku mashquulay duullaamadii waqooyiga Afrika illaa dhulka Maghrib. Markaas bayna Masar gacanta u gashay laba wiil oo ay dhaleen laba saxaabi oo kamid ahaa saxaabadii fadliga badnayd, waxayna labadaasi wiil kala ahaayeen, Maxamed bin Abii Bakar Sidiiq iyo Maxamed bin Abii Xudeyfah bin Cutbah. Waxayna dadka ku boorinayeen in Cuthmaan la inkiro oo laga hoos baxa xukunkiisa, waxayna ka sheegayeen waxyaaba uuna ehel u ahayn, oo iska qeyra macquul ah. Waxaa arrintaasi ku garab taagnaa oo afuufayay C/llaahi bin Saba oo loo yaqaannay Ibnu Sowdaa. Markaas bay heleen laba Maxammed ciidama dhan 600 oo rukuubley ah, waxayna abbaareen dhankii Madiina, ayagoo kusocda sifo cumra, balse hadafkoodu uu yahay inay kusoo qayliyaan Cuthmaan bin Cafaan. Waxay ku dhaqaaqeen afar calan, ayagoo madaxdooduna ay kala yahiin C/llaahi bin Budayl bin Warqaa Al Khuzaaci, C/Raxmaan bin Cuddays Al Balawi, Kinaanah bin Bishir At Tujiibi iyo Sowdaan bin Ximraan As Sukuuni. Waxaa horey usii raacay Maxamed bin Abii Bakar. Rafiiqiisii Maxamed bin Abii Xudayfana wuxuu k uharay Masar si uu halkaasi masuul uga sii ahaada. C/llaahi bin Sacad bin Abii Saraxna, warqad ayuu u qoray Cuthmaan bin Cafaan asagoo ogeysiinaya in nimankaasi ay soo aadeen dhanka Madiina si ay ugu buuqaan, wuxuuna u sheegay inay kusocdaan sifo cumra si aanan hadafkoodu loo fahmin.

Markii ay raggani fidna wadayaasha ahi ku dhawaadeen magaalladii Madiina, buu Cuthmaan soo diray Cali si uu u celiyo, markaasuu ka hor tegey, oo la soo dooday weydiiyeyna, waxa ay Cuthmaan ka rabaan, markaasay iyana u sheegeen arrima dhowr ah oo ay kusoo eedeeyeen. Waxaana kamid ahaa inuu dhisay seero, inuu gubay masaaxiftii hore ee Abuu Bakar qoray iyo inuu salaadda jamciyey asagoo xajka joogo iyo inuu inama yaryar u dhiibay masuuliyad asagoo ka tagay saxaabadii waaweyneed ee Rasuulka SCW iyo inuu reer banii Umayah u badiyey wax siinta.

Arrintan Musxafka waxaa horey Cuthmaan ugu tilmaamay inuu hal qiraa’a ka dhiga Xudeyfa bin Yamaan oo warqad usoo diray Cuthmaan, kadib markuu arkay dad isku khilaafsan akhrinta Quraanka markaa buuna Cuthmaan amray in la qora musxaf hal qiraa’a ah. Taas ka horna musxafku wuxuu ku qornaa dhowr qiraa’a oo ah siduu Abuu Bakar u qoray. Sidaa darteed bay reer Shaam ku akhrinayeen qiraa’adii Al Miqdaad iyo Abuu Dardaa Al Ansaari, reer Ciraaqna waxay ku akhrinayeen qiraa’ada C/llaahi bin Mascuud iyo Abii Muusa Al Ashcari. Markii uu khilaaf ka dhex dhacay dad badan oo aanan kala aqoon arrimahaasi, oo qolaba ay qolada kale la yaabayso sida ay u akhrineyso ayuu Xudayfa warqad u diray amiirkii Mu’miniinta oo uu kula taliyey in hal qiraa’a lagu qoro musxafka, sidii buuna Cuthmaan amray, waxuuna u xil saaray dhowr kamid ah akhyaartii Muslimiinta oo waxuu amray Zayd bin Thaabit inuu qora musxafka, asaga ayaana markii hore qoray, waqtigii Abuu Bakar, Saciid bin Al Caas-na inuu u yeeriyo ayuu amray, halka uu amray C/llaahi bin Zubeyr iyo C/Raxmaan bin Xaarith bin Hishaam Al Makhzuumi inay la joogaan. Wixii la isku khilaafa wuxuu amray in lagu qoro lahjadda Qureesh. Markaas buuna Musxafkii u diray goballada kii hore ee la isku khilaafayna gubay.

Haddaba arrimahani oo idil Cali wuu uga jawaabay, wuxuuna u sheegay, in seerada uu u dhisay geela saddaqada si ay ugu cayilaan, oo uunan u dhisin geeliisa iyo arigiisa tooni, hortiisna waxaa dhisay Cumar. Musxafyada uu gubayna, wuxuu uun gubay wixii ay dhex ahaatay khilaaf, wuxuuna u reebay dadka wixii la isku raacay. Salaadda uu Makka ku taam yeelayna, wuxuu ku yeeshay ehel magaallada, markaasi buu niyooday inuu sii joogo oo taam yeelay salaadda.

Wiilasha yaryar ee uu xilka u dhiibayna, ma uunan magacaabin, midaanan toosneen oo aanan caadil ahayn, Rasuulkuna SCW horey wuxuu ugu magacaabay magaallada Makka, Cataab bin Usayd oo 20 jir ah. Usaama bin Zayd bin Xaarithana masuuliyad buu u dhiibay ( Rasuulka SCW ) markii ay imaaraddiisa wax ka sheegeen. (wuxuuna markaasi Usaama bin Zayd ahaa 17 ama 18 jir). Ammaa reer banii Umayah inuu u badiyey wax siinta, Rasuulkuba SCW wuxuu uga badin jiray Qureeshta xagga dadka.

Jawaabahaas ayuu Cali siiyey nimankii fidna wadayaasha ahaa, wuxuuna markaa sii raaciyey oo uu yiri:- Ilaahay baan ku dhaartaye, haddii furaha jannadu uu gacanteyda ku jiri lahaa, waa aan gelin lahaa banii Umayah oo dhan.

Waxay kaloo ku eedeeyeen, in Xakam bin Abil Caas oo Rasuulku SCW magaallada Madiina ka masaafuriyey oo uu u masaafuriyey dhanka Dhaa’if uu kusoo celiyey magaalada. Waxaa la soo weriyaa in qaarkood fidnawadayaashu ay magaallada galeen, oo ay dhageysteen khudbadda Cuthmaan asagoo ka cududdaaranaya waxyaabaha lagu soo eedeeyey. Qaar kamid ah saxaabadii Rasuulka SCW ayaa Cuthmaan kula talisay markaas, in la qabta kuwaas oo la edbiyo, balse wuu iska saamaxay oo cafiyey, wuxuuna amray inay dadkoodii iyo meelahii ay ka yimaadeen ku laabtaan. Markaas bay iyana laabteen oo aadeen halkii ay ka yimaadeen. Markii ay gaddoomeen oo dhulkoodii abbaareen, buu Cali u tegey Cuthmaan oo uga warramay, wuxuuna usoo jeediyey inuu masjidka tego oo dadka u khudbeeyo, kana cududdaarta waxyaabaha lagu soo eedeyey. Markaas buuna Cuthmaan qaatay waanadii Cali oo masjidkii tegey oo dadkii u khudbeeyey, ogeysiiyeyna inuu ka toobad keenay wax waliba oo gef iyo dembi ah ee ka dhacay. Markaas buu sare gacmaha u taagay oo yiri:- Alloow! waan ku dembi dhaaf dalban oo waan kuusoo noqon. Markaas bayna indhihiisii qiimaha badnaa ilmadu deeyeen oo uu ooyey, heer Muslimiintiina ay lawada ooyeen.

Saciid bin Zayd baa istaagay oo yiri:- Allaah! Allaah! naftaada amiirkii Mu’miniintoow! dhammeyso khudbaddaada. Wuxuu Cuthmaan u sheegay Muslimiintii in gurigiisa albaabka uu u ballanqanyahay (yacni u furan yahay) qof kasta oo doonaya inuu imaadana uu iman karo, markii uu u baahda iyadoonay jirin cid ka hor istaagi karto. Markiina uu Cuthmaan mimbarkii ka soo degay wuxuu aaday dhankii gurigiisa,

Xisbiyadii oo Yimid

Taasu waxay ahayd in fidna wadayaashii Masar iyo kuwii Kuufa iyo Basra ay warqada isu dirayeen, ayagoo ku diraya afka saxaabada joogta magaallada Madiina sida Cali, Dhalxa iyo Zubayr, iyagoo dadka ugu yeeraya la dagaallanka Cuthmaan bin Cafaan, iyo in loo gargaaro diinta. Waxayna lahaayeen:- Waa maanta jihaadkii ugu weynaa.

Sida uu xusay Seyf bin Cumar, bishii Shawaal ee sanadkan, ayay reer Masar kusoo dhaqaaqeen afar calan mar kale, ayagoo tiradoodu lagu sheega markay ugu yartahay 600, hadday ugu badatana 1000. Waxaana u madax ahaa oo calamada ukala siday C/Raxmaan bin Cuddeys Al Balawi, Kinaanah bin Bishir, Sowdaan bin Ximraan As Sakuuni iyo Quteyrah As- Sakuuni. Waxaana madax guud u ahaa Qaafiqi bin Xarbi Al Caki. Waxay kusoo baxeen sifa la moodo inay u socdaan xaj, ayagoo uu la socda Ibnu Sowdaa (Cabdullaahi bin Saba).

Kuufana waxaa ka soo baxay fidna wadayaashii halkaasi joogay, waxaana ay sidoo kale wateen afar calan oo ay u kala wadeen Zayd bin Sowxaan, Ashtar An Nukhaci, Ziyaad bin Nadar Al Xaarithi iyo C/llaahi bin Al Asam. Waxaana guud ahaan reer Kuufa madax u ahaa Camr bin Al Asam.

Kuwoodii reer Basrana waa ay soo baxeen, ayagoo sidoo kale wata afar calan, waxaana u kala siday Al Xakiim bin Jablah Al Cabdiyu, Bishir bin Shureex bin Dhubeycah Al Qeysi, Dureyx bin Cabbaad Al Cabdiyu iyo Xurquus bin Zuheer. Guud ahaantoodna, waxaa madax u ahaa Xurquus bin Zuheer.

Fidna wadayaasha reer Masar, iyagu waxay doonayeen in xilka uu qabta Cali oo laga qaado Cuthmaan. Kuufiyiintuna waxay rabeen xilka inuu qabta Zubayr oo asaga amiir laga dhiga. Basriyiintuna waxay rabeen in xilka uu qabta Dalxa oo Cuthmaan la casilo. Sidaa oo ay tahay, qola kasta waxaa ka go’need inay howsheeda iyo hadafkeeda gaarto oo ay meel mariso. Waxayna ku ballameen duleedka magaallada Madiina xilli la yaqaan inay ku kulmaan.

Markaas bay soo dhaqaaqday qola waliba oo timid duleedka Madiina. Koox waxaa ay degtay Dii Khashab, kooxna waxay degtay Al Acwas, halka intoodii badneydna ay degeen Dii Marwah. Markaas bay qaar kamid ah direen, si ay dadka ugu sheegaan inaanay wax kala u imaan, ee ay u yimaadeen uun xaj iyo in Cuthmaan uu ka casila qaar kamid ah masuuliyiinta goballada. Markaasay ka idin dalbadeen inay soo galaan magaallada, hase ahaatee, dadkii reer Madiina waa ay diideen arrinkaas. Dabeeta waa ay soo dhawaadeen oo ay ku durkeen magaalladii. Markaa bay koox Masriyiin ah Cali kula kulmeen Axjaaru Zayt agteeda. (halkaasi waa meeshii ay reer Madiina ku tukan jireen salaadda roob doonka). Dabeeta Cali intuu la hadlay buu si daran u canaantay oo caayey, oo lacnaday, dabeetana amray inay laabtaan. Markaas bay iyana yiraahdeen:- Waayahay. Dhalxa baa isaguna sidaa oo kale Basriyiintii u eryaya. Zubayrna sidoo kale Kuufiyiintii ku sameeyey.

Waxaa kaloo la sheegaa in Masriyiintii ay dalbadeen inuu Cuthmaan ka casilo C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax oo uu ku baddalo Abii Bakar, markaasuu ka yeelay. Markaas bay wada laabteen, oo qola kastaba dhulkeedii aadday, oo waxay muujisteen inay dhulalkoodii aadeen. Markii ay maalmo socdeen, bay dib usoo laabteen oo ay soo aadeen dhankii Madiina, Waxyar kadibna, waxay reer Madiina maqleen takbiir (Allaahu akbar). Illeen nimanku waxay soo galeen magaaladii Madiina, oo ay qabsadeen, oo ay ku kala firaareen, intoodii badneydna waxay dul dageen gurigii Cuthmaan bin Cafaan. Dadkiina waxay ku yiraahdeen:- Qofkii gacmahiisa naga laabto, waa aamin. Markaas bayna reer Madiina gacmahoodii laabteen, oo in badan oo kamid ahina guryahoodii laasimeen, oo iska joogeen. Sidaas ayaana maalmo dhan la ahaa.

Sidaa oo ay tahay lama ogeen oo majirin, cid garaneysay, waxa ay damacsanyahiin nimankan fidna wadayaasha ahi iyo waxa ay ka rabaan amiirka. Mana la ogeen go’aankooda. Waqtigaasi asaga ahi amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan waa uu ka bixi karay gurigiisa, oo aadi jiray masjidka oo dadka ku tujin jiray, iyadoo reer Madiina iyo xisbiyada fidna wadayaashuba ay ku daba tukan jireen. Qaar kamid ah saxaabadii Rasuulka SCW, baa iyagu u tegayay fidna wadayaasha oo ku boorinayay inay dhulalkooda isaga laabtaan oo ay ka baxaan waxa ay ku jiraan ee fidnada ah, balse dheg jalaq uma aanay siineen. Cali bin Abii Daalib baa weydiiyey nimankaasi fidna wadayaasha ahi kuwa reer Masar, waxa soo celiyey kadib markii ay baxeen oo ay aadeen dhulalkoodii? Waxayse ku jawaabeen inay heleen warqad kasocota Cuthmaan bin Cafaan oo amraysa in la dila Maxamed bin Abii Bakar iyo weliba qaar kamid ah ayaga oo weliba la salbiya meydkooda. Markaasuu reer Basra iyo reer Kuufana weydiiyey iyana waxa soo celiyey? Saa waxay kujawaabeen inay u yimaadeen inay gargaaraan saaxiibadooda.

Warqaddaasi ay reer Masar keeneen, waxaanan la ogeen cidda qortay, waxayna lahayd tiimbarahii Cuthmaan, wuxuuna Cuthmaan sheegay inuunan ogeen halkii lagu qoray iyo ciddii qortay inuu qoray iskaba daaye. Waxaanse horey usoo xusnay inuu lumay faraantigii Nebiga SCW ee Cuthmaan tiimbaraha u ahaa. Inkastoo la raadiyeyna, la waayey oo markaasi uu ka kaaftoomay oo mid kale sameystay, kuna naqshadeeyey ” Muxammadun Rasuulullaah”. Marka waxay u dhawdahay in nimankani ay heleen faraantigaasi oo ay iyagu qorteen, warqaddaasi, waayo Cuthmaan bin Cafaan Illaahay haka raalli noqdee ma uunan qorin, mana amrin arrinkaasi. Sidoo kalena markii ay warqadaha isu dirsanayeen fidna wadayaasha, oo ay ku dirayeen afka saxaabada sidaa oo kale, bay tiimbarahaasi u saarayeen.

Waxaa kaloo iyana la sheegaa in sida uu xusay Ibnu Jariir uu warqaddaasi qoray Marwaan bin Xakam, asagoo ta’wiilsanaya qowlka Alle kor ahaaye ee ah ” Abaalka kuwa la dagaallamaya Allaah iyo Rasuulkiisa oo la socda dhulka fasahaad, waa in la laayo ama la salbiyo , ama loo jara gacmahooda iyo lugahooda si is dhaaf ah, ama laga fogeeyo dhulka, taasina waa inay leeyahiin dulli adduunka iyo aakhiraduba, oo aakhirana waxay leeyahiin caddaab weyn. Suuradda Al Maa’idah aayadda 33aad.

Wuxuuna kuqoray afka Cuthmaan, asagoo ku dhejiyey tiimbarahii Cuthmaan. Waxaanay shaki ku jirin in raggani ay ahaayeen sida ay aayaddu tilmaameyso mufsidiin, waana xaqiiq abaalkoodu inuu sidaasi ahaa, Marwaanna wuxuu u arkayay inay sidaasi tahay maslaxa, balse waxaa dhacday in amiirkii ay arrintaasi ku ceebeeyeen xilli uusan waxba ka ogeyn halka lagu qoray iyo cidda qortayba. Waxyaabahii saxaabada shakiga geliyey ayayna kamid ahayd markii ay Cuthmaan weydiiyeen, cidda qortay, ama tiimbarahiisa ku dhejisay ama afkiisa kuqortay, sidoo kalena wuxuu Cuthmaan arrimahaasi oo idil kaga dhaartay magaca Alle ee weyniga usaaxiibka ah, inuusan waxba ka ogeyn waloow lagu qoray afkiisa laguna tiimbareeyay faraantigiisa. Markaas bayna saxaabadii rumeysteen. Markiina fidna wadayaashii Masar ay arkeen warqaddaasi bay ku weynaatay oo ay soo gaddoomeenna waala sheegaa. Wallaahu aclam.

Cuthmaan bin Cafaan sidii ayuu dadka u tujinyay, inkastoona ay fidna wadayaashu gurigiisa dul degnaayeen, haddana maalmahaasi wuu bixi karayay oo howlahiisa gudan karay. Sidaa ayuuna waqtigaasi ku sugnaa, jeer la gaaray Jumca kamid ah Jumcayaasha. Markaas buu mimbarkii koray asagoo gacanta ku haysta ul uu Rasuulka SCW gacanta ku qabsan jiray markii uu khudbeynaya, sidoo kalena Abuu Bakar iyo Cumar ay iyanagacanta ku qabsan jireen. Goor uu khudbeynaya oo khudbaddii wado, baa waxaa istaagay Jahjaah Al Qafaari oo yiri:- Istaag Nacthaloow! oo kasoo dag mimbarkan. Nacthal wuxuu ahaa nin reer Masar ah oo gadh dheer lahaa, wuxuuna u ekaa Cuthmaan. Wax aanan taas ahayn oo ay Cuthmaan ku ceebeeyaan ma aanay hayn fidna wadayaasha, marka laga reebo inay Nacthal ugu yeeraan. Dabeeta Cuthmaan wuxuu xusay in fidna wadayaasha oo idili lagu lacnaday carrabka Muxammed SCW. Markaas baa waxaa hadlay Maxamed bin Maslama oo isaguna yiri:- Aniga ayaa taasi ka marag ah. Dabeeta Xakiim bin Jablah baa qabtay oo fadhiisiyey. Misna waxaa kacay Zayd bin Thaabit oo yiri:- Kitaabkuu kusuganyahay (warkaasi). Saa waxaa u istaagay Maxamed bin Abii Mureerah oo fadhiisiyey. Markaas buu masjidkii dhan buuq iyo sawaxan noqday, oo qayladu badatay. Markaas bay nimanka fidna wadayaasha ahi dhagax ku tuureen Cuthmaan asagoo mimbarka dul saaran. Markaas buu mimbarkii kasoo degay asagoo wareersan. Dabeetana waxaa loo kaxeeyey gurigiisii. Cali iyo Dalxa iyo Zubayr iyo qaar kamid ah sanaadiiddii Muslimiinta ayaa u tegey Cuthmaan oo guriga ku booqday, dabeetana way kasoo tegeen.

Dabeeta waxaa is aruursaday qaar kamid ah saxaabadii Rasuulka SCW oo ay kamid yahiin Abii Hureerah, Cabdillaahi bin Cumar iyo Zayd bin Thaabit si ay ula dagaallamaan nimanka fidna wadayaasha ah oo ay u difaacaan amiirka Mu’miniinta. Markaas buu Cuthmaanna amray inaanay wax dagaal ah fulinin, oo wuxuu amray inay gacmahooda iska laabtaan, jeer uu Alle siduu doono arrinka u xukmiyo. Markaas bay iyana maqleen amarkii amiirka.

Go’doomintii Amiirka Mu’miniinta Ee Cuthmaan lagu sameeyay

Markii ay dhaceen wixii dhacay maalintii Jumcaha ahayd, ee nimankii fidna wadayaasha ahaa ay Cuthmaan oo mimbarka dul saaray shiideen, dabeetana uu ka soo dul dhacay asagoo wareersan, waata markaasi gurigiisii loo qaaday. Markaas bayna fidna wadayaashii kaga sii hormareen gurigiisii oo go’doomin daran kuqabteen oo xitaa uunan banaanka usoo bixi karin. Jumcahaasina waxuu ahaa Jumcahii ugu dambeeyey ee uu dadka tujiya iyo markii ugu dambeysay ee uu banaanka usoo baxa. Qaar badan oo kamid ahi saxaabada ayaa iyana guryahoodii laasimay oo iska joogay, kana fogaaday fidnada taagan. Markaas bay qaar kamid ah wiilashii saxaabada ahaa is aruursadeen, waxaana kamid ahaa Xassan iyo Xuseen Abuu Hureerah iyo C/llaahi bin Zubayr iyo C/llaahi bin Camr bin Al Caas iyo C/llaahi bin Cumar Marwaan bin Xakam iyo qeyrkood. Waxaana madax u ahaa C/llaahi bin Zubayr. Waxay wiilashani is hor dhigeen fidna wadayaashii si ay u difaacaan Cuthmaan. Fidna wadayaashiina waxay Cuthmaan usoo bandhigeen in saddex arrimood middood uu yeelo, inuu is casilo, ama inuu Marwaan bin Xakam usoo gacan geliyo ama in ay dilaan?

Arrimahaasi oo idil Cuthmaan kamuunan yeelin, wuxuuna u sheegay in saddex arrimood dhiigga qofka Muslimka ahi uu ku banaan yahay, inuu qof dilay oo loo qisaaso, ama uu sineystay asagoo horey usoo guursaday ama uu riddoobay. Arrimahaasi oo idil wuxuu Cuthmaan sheegay inuunan midka falin, wuxuuna sidoo kale dhibsaday masuuliyaddii Alle uu dul saaray inuu fidna wadayaasha u gacan geliyo. Wuxuuna mar ku riyooday Rasuulka SCW oo ku leh:- Waxay u dhawdahay inuu Illaahay khamiis kuu geliyo, ee markii ay damcaan fidna wadayaashu inay kaa siibaan ha yeelin, jeer aad igala kulanto. Sidoo kale Cuthmaan wuxuu dhibsaday in uu fidna wadayaashu Marwaan u gacan geliyo. Wuxuu Cuthmaan sanadkani amray Cabdillaahi bin Cabbaas si uu dadka u xajisiiyo, balse Ibnu Cabbaas wuu ka cududaartay arrinkaasi, wuxuuna dalbaday inuu ka qayb qaata difaacidda amiirka Mu’miniinta. Balse Cuthmaan wuxuu ku adkeystay inuu sanadkaasi Ibnu Cabbaas dadka kaxeeyo oo xajisiiyo. Waxaa sidoo kale sanadkan baxay dumarkii Rasuulka SCW si ay iyana mawaasimta xajka usoo gutaan. Waxaa sidoo kale baxay bashar badan oo ka cararayay fidnadii markaa ka dhacday magaalladii Madiina. Sidaa darteed baanay magaalladii kusoo harin dad badan. Markaas bayna si dhan u tamkiiniyeen fidna wadayaashii magaalladii Madiina oo ay iyagu masuuliyaddeedii oo idil gacanta u gashay. Waxyar kadibna wuxuu Cuthmaan amray wiilashii saxaabada ee difaacayay inay iska baxaan oo ay kala dareeraan oo ay aadaan guryahoodii. Wuxuuna amray in uunan dhiig qof Muslim ah asaga dartii u daadan. Markaas bay arrintaasi ka madax adeygeen, waxayna dalbadeen inay difaacaan amiirka. Balse Cuthmaan wuxuu ku adkeystay inay guryahooda iska aadaan oo maqlaan hadalkiisa, waa haddii ayuu yiri:- Aan amiirkiinna ahay. Markaas bay maqleen oo adeeceen oo guryahoodii aadeen, ayagoo ka xun arrintaas.

Muddadaasi ay go’doominta ku hayeen Cuthmaan, waxaa dadka salaadda tujinayay Qaafiqi bin Xarbi. Asaga ayaana magaallada Madiina ka imaam noqday, inkastoo mararka qaar marka ay arkaan Cali ay weyneen jireen oo ay ka codsan jireen inuu tujiyo.

Ibnu Jariir wuxuu xusay in Dhalxa bin Cubeydillaah uu dadka tujinayay muddadaasi, waxaase saxiixul Bukhaariga ku sugan in Cali uu tujiyey dadka, sidoo kale Abuu Ayuubna uu tujiyey , sidoo kale Sahal Ibnu Xaniif. Waxaana la sheegaa in muddo bil ah ama 40 casho ay go’doomintaasi ku hayeen amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan Ilaahay haka raalli noqdee, kadibna ay dileen sida aynu xusi doonno.

Xisaarkaasi (yacni go’doomintaasi) waxaa uu socday illaa la gaaray 18-ka bisha Dul Xajah, laba maalmood ka hor intuuna xisaarka dhammaan ayay ahayd markii uu Cuthmaan wiilashii difaacayay amray inay guryahooda iska aadaan, sababtuna waxay ahayd wuxuu Cuthmaan arkay riyo tusineysa in ajashiisii ay soo dhawaatay, sidaa darteed buuna jecleystay in dartiis aanay dhiig Muslim u daadan. Waxaa kaloo la sheegaa in maalintii la dilayay uu habeenkeedii Cuthmaan ku riyooday Rasuulka SCW oo ku oranaya:- Cuthmaanoow! nala soo afur. Markaas buu waa bariistay asagoo sooman. Taasina waxay ahayd maalintii la dilayay.

Seyf bin Cumarna wuxuu soo weriyey inuu Cuthmaan usoo galay Kathiir bin Salat, oo uu ka codsaday inuu dadka u baxa oo wejigiisa tuso hal, waxay udhawdahay in ay markaasi laabtaan. Markaas buu Cuthmaan ku jawaabay:- Kathiiroow! Shalay baa waxaan arkay riyo, anigoo u galay Rasuulka Alle SCW iyo Abii Bakar iyo Cumar, markaasuu igu yiri:- Orodoo laabo, berritoole baad nala soo afuri doontaaye.

Abii Saciid Mowlaa Cuthmaan, waxaa laga soo weriyey in Cuthmaan uu markaasi xoreeyey 20 addoon oo u joogtay, wuxuuna dalbaday in loo keeno surwaal, oo gashtay iskuna dhuujiyey (waayo wuxuu ahaa nin xishood badan oo Malaa’iktuna ka xishoota). Horeyna uma uu xiran waqtigii jaahiliga iyo Islaamkuba. Wuxuuna yiri:- Waxaan riyo ku arkay Rasuulkii Alle SCW oo leh, sabir, waxaad nala soo afuri doontaa berridan soo socota. Kadibna wuxuu dalbaday musxafka oo la dilay asagoo akhrinaya.

Wuxuu maalintaasi surwaalka u xirtay, si haddii marka la dilo aanay cowradiisa u muuqan, waayo wuxuu ahaa mid aad u xishood badan. Malaa’igta ayaana ka xishoon jirtay siduuba Rasuulkeenna SCW inoo sheegay markii uu lahaa:- Ma waanan ka xishooneyn, qof ay ka xishooneyso Malaa’igta.

Dilkii Amiirka Mu’miniinta Ee Cuthmaan

Maalmihii ugu dambeeyey xisaarka ayaa, waxaa mar dhex maray dagaal raggii Cuthmaan waardiyeynayey ee wiilashii saxaabada ee uu hoggaaminayay C/llaahi bin Zubayr iyo nimankii fidna wadayaasha, taasuna waxay ahayd ka hor intuusan Cuthmaan kala dirin raggii waardiyeynayay. Markaasi bay qaar kamid ah raggii difaacayay Cuthmaan halkaasi ku geeriyoodeen, C/llaahi bin Zubayr iyo Xassan bin Cali iyo Marwaanna waxaa soo gaaray dhaawacyo. Waxaana kamid ahaa dadkii difaacayay Cuthmaan ee maalintaasi shahiiday Ziyaad bin Nucaym Al Fihri, Al Muqiirah bin Al Akhnas bin Shureyq iyo Niyaar bin Cabdillaahi Al Aslami. Waxaa sidoo kale dhanka fidnawadayaasha laga dilay jamaaca dhowr ah. Waxaa la sheegaa in markaasi ciidamadiii Cuthmaan waardiyeynayay ay jabeen, misna mar kale ayay soo laabteen.

Markaas bayna ahayd markii uu Cuthmaan amray inay guryahooda iska aadaan, sidaynu horeyba usoo xusnay. Markaas bayna guryahooda aadeen. Dhanka kale fidna wadayaashu waxay Cuthmaan u diideen inuu ceelka Ruumah ka cabbo biyaha, wayna oomiyeen, wuxuuna ahaa qofkii ugu horreeyey ee biyaha ceelkaasi loo diiddo, asagoo waqtigii Rasuulka SCW Muslimiinta u iibiyey. Sidoo kale, markii wiilashii saxaabada ay ka baxeen daartii ee ay guryahoodii aadeen, waxay ka tageen Cuthmaan oo ay asaga iyo fidna wadayaashii ka dhex baxeen. Sidaa darteed bayna go’doomintii sii adkeeyeen, oo diideen in daarta ay cidi kasoo baxda ama cidi u gasho. Waxaana kusoo haray daarta Cuthmaan iyo dumarkiisii iyo carruurtiisii. Qaar kamid ah saxaabada sida Cali oo kale baa dhib iyo rafaad marmar ugu geyn jiray biyaha, kadib markay hor istaagid daran iyo cay kala kulmaan nimanka fidna wadayaasha ah. Wuxuu ku sugnaa xaaladdaas amiirkii Mu’miniinta. Waxayna ku qabteen rafaadin aad u daran. Biyahii guriga u yiillay baa ka dhammaaday, saa biyo kalena meel ay uga imanayaan ma jirin oo aanan ka ahayn, wax si qarsoodi ah uga yimaada dhanka daarta C/llaahi bin Xaazim oo ay markaasi deris ahaayeen, xilliyada habeenka, ama wax ay saxaabadu dhib ugu keenaan mooyaane.

Arrintaasi oo idil saxaabadu aad bay ula yaabeen, wayna qaadan waayeen, sida ay wax makastani kula dhaqmayaan amiirkii Mu’mininta. Hooyadii Mu’miniinta ee Umu Xabiibah Ramlah bint Abii Sufyaan ayaa mar damacday inay Cuthmaan biyo u geyso,, markaasay fidna wadayaashu intay kusoo baxeen ayadoo baqasheeda saaran, si daran u aflagaadeeyeen, oo dabeetana shakaalkii baqasha ka jareen, markaasay la oradday oo ka dhici gaartay. Balse dad baa ka soo gaaray oo u qabtay. Waxaa dhacay arrin weyn iyo amar aanan la garwaaqsan. Markaas bay Caa’isha go’aansatay inay xajka aaddo. Dadkii Muslimiinta ayaa kula taliyey inay joogto, waxayna u sheegeen in laga yaabo inay sidaasi kheyr kujirta. Balse, waxay usheegtay dadkii in haddii talo ay keento ay ka yaabeyso in sidii Umu Xabiibo oo kale loo caayo,. Sidaas darteed bayna Ca’isha go’aansatay inay xajka aaddo. Dad badan oo reer Madiina ah baa sidaynu soo xusnay iyana xajka sanadkani aaday. Sidoo kale waxaa baxay dumarkii Rasuulka SCW. Marka laga reebo Sowda oo la sheego inaanay xaj u bixin dhimashadii Rasuulka SCW kadib. Xaalladu way darraatay, fidnadiina way hurtay. Magaalladiina waxaa hantiyey nimankii kheyr ma qabayaasha ahaa. Intii badnayd dadkii reer Madiinana, waa ay ka kala carareen oo waxay aadeen xajkii. Markaas baa waxaa yimid war sheegaya, in dadkii muwaasimta xajka u baxay oo idil ay doonayaan inay Madiina soo aadaan si ay amiirka uga difaacaan nimankan fidna wadayaasha ahi. Sidoo kalena Mucaawiyah inuu ciidama culus kasoo diray dhanka Shaam, kuwaasoo uu hoggaaminaya Xabiib bin Maslama, C/llaahi bin Sacad bin Abii Saraxna in uu soo diray ciidamo culus oo uu hoggaaminaya Mucaawiyah bin Khadiij, Kuufana ay ka soo baxeen ciidama uu hoggaaminaya halyeygii weynaa ee Al qacqaac bin Camr, Basrana ay kasoo baxeen ciidamo uu hoggaaminaya Mujaashac ayaa soo gaaray reer Madiina. Markaas bay fidna wadayaashii go’aansadeen inay Cuthmaan dilaan ka hor intaanay ciidamadaasi soo gaarin.

Maalintaasi ayada ahi ee Cuthmaan la dilayay, wuxuu waabariistay asagoo sooman, markaas buu salaad u kacay oo ku furfurtay suuradda Daahaa, oo akhriyey in muddo ah, markiina uu salaaddii ka faaruqay buu soo qaatay musxafka oo kala furay oo akhriyey. Asagoo akhrinaya ayayna, fidna wadayaashii soo galeen oo markii hore albaabkiisa gubeen, markaasay ka cabsadeen in dabka uu gaara beytul maalka, oo dhaqsa damiyeen, dabeetana waxaa u soo galay Maxamed bin Abii Bakar Sidiiq iyo 13 nin oo asaga daba socotay. Markaasuu Maxamed intuu Cuthmaan udhawaaday qabtay gadhka oo markaa yiri:- Wax miyuu kuu taray Mucaawiyah? Oo wax makuu taray Ina Caamir (C.llaahi bin Caamir bin Kureys)? Oo miyay wax kuu tareen wixii (ciidamadii) aad aruurineysay? Alle nagama yeelli doono inaanu niraahno

”Allow! Waxaan adeecnay madaxdayadii iyo kuwii noo wayna waxayna naga lummiyeen jidkii” (Suuradda Axsaab aayadda 67aad).

Markaas buu Cuthmaan yiri:- Maandhoow!! ii sii daa gadhka, Illaah baan ku dhaartaye waxaad qabatay meel uusan aabahaa qaban jirine (yacni uu ka xishoon jiray). Markaas buu Maxamed bin Abuu Bakar dib u laabtay asagoo ka xishooday weliba ka shallaayey falkiisii, waxuuna dadkii la socday u tilmaamay inay iskaga laabtaan ninkan, hase ahaatee dheg jalaq uma aysan siin, waxaana ul uu watey ku dhuftay nin la oran jiray Abuu Rowmaan Sowdaan bin Ximraan oo dabeetana seef intuu u qaatay xabadka rujiyey misna inta afka seefta caloosha uga toosiyey buu ku tiigsaday oo uu uu ku riixay, markaa buu Kinaanah bin Bishir gadaal uga keenay seef oo madax illaa garabka iyo naaska dushiisa juuciyey, markaas buu dhinac dhinac u dhacay. Dabeeta buu Sowdaan bin Ximraan Al Muraadi isa raaciyey, waxaa intaa kadib yimid Camr bin Al Xamaq oo inta Cuthmaan fadhiisiyey xabadka uga fadhiistay dabadeedna waran uu sitay ku mud muday. Markaas maalintaasi waxuu Cuthmaan akhrinayey Quraan dhiiggii ugu horeeyay ee wejigiisa kasoo butaacana waxuu ku dhacay aayadda 137aad ee ku jirta suuradda Al Baqrah oo uu Alle ku leeyahay:

”Haddey u rumeeyaan sida aad u rumeyseen hubaashii way hanuuneen, haddiisa ay jeedsadaan waxay ku suganyahiin khilaaf, ee waxaa idinka kaafin Allaah asagaana wax maqla waxna og”.

Sidoo kale waxaa ka qayb qaatay dilkiisa nin loo yaqiinay Mowtul Aswad iyo Qaafiqi bin Xarbi iyo asxaabtiisii kale. Naa’ilah bint Faraafisa- afadii Cuthmaan ayaa ayadoo qaylineysa kusoo dhex dhacday, halkii Cuthmaan lagu dilayay, waxayna lahayd:- Ina Shaybaay!! ma waxaa la dilayaa amiirkii Mu’miniinta? Waxayna ku dhegtay qaar kamid ah seefahii lagu dilayay Cuthmaan, saa Sowdaan bin Ximraan baa faraha kaga jaray. Waxaa markaa Sowdaan bin Ximraan dilay mowla (adeego) Cuthmaan u joogay, asagiina waxaa dilay nin fidna wadayaasha kamid ah oo la oran jiray Quteyrah. Kadibna markii ay ka faaruqeen dilka Cuthmaan oo ay daarta kabixi rabaan, ayuu adeega kale oo Cuthmaan u joogay dilay Quteyrah. Saa asagiina (adeegaha) waxaa dilay nin la oran jiray Kalthuum At- Tujiibi. Qaafiqi bin Xarbi ayaa wuxuu arkay madaxii Cuthmaan oo musxafka dul saaray oo haybadda ka muuqata lamalaysan karin, markaasuu inta u tegey haraanti kaga tuuray. Dabeeta waxay damceen inay madaxa ka gooyaan, balse dumarkii iyo carruurtii Cuthmaan ayaa wada qayliyey mar qura. Markaas buu Ibnu Cuddays amray in layska daayo.

Dabadeed mid dhawaaqa oo ayaga kamid ah ayaa ku dhawaaqay:- Dhiiggiisa waa inoo xalaal, oo markaasi maalkiisu xalaal inooma ahan (miyaa)? Dabeetana Baytul maalkii ayay galeen oo ay wixii hanti iyo maal ee yiillay ka gurteen. Waxayna ka heleen hanti fara badan.

Saxaabadii arrintaasi waxay ku noqotay filan waa, wayna qaadan waayeen. Markiina Zubayr uu gaaray warka ah in la dilay amiirkii Mu’miniinta baa wuxuu yiri:- Innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun. Oo dabeetana u naxariis iyo istaqfaar dalbay, kadibna wuxuu akhriyey qowlka Alle kor ahaaye:

”Ma sugayaan wax kale oo aanan ka ahayn qaylo mar qura oo qabanayso iyagoo doodaya. Mana awoodaan dar daaran ehelkoodiina uma soo noqdaan”.

Suuradda Yaasiin aayadaha 49aad – 50aad.

Cali-na markuu gaadhay warka ah dilka Cuthmaan, buu sidii Zubayr oo kale falay, dabeetana akhriyey qowlka Alle kor ahaaye:

”Waa sida Sheydaanka oo kale, markii uu ku yiri insaanka:- Gaaloow!, markiina uu gaaloobay, wuxuu yiri:- Anigu beri baan kaa ahay, waxaana anigu ka cabsan Allaha Rabbiga caalamiinta”. Suuradda Al Xashr aayadda 16aad.

Sacad bin Abii Waqaasna markii uu gaaray dilka Cuthmaan, sidii Cali iyo Zubayr oo kale ayuu yiri, kadibna wuxuu akhriyey qowlka Alle kor ahaaye ee ah:

” Waxaad dhahdaa maydinkaga warrama kuwa u khasaaro badan xagga camallada? Waa kuwa uu lumay camalkooda nolashan adduunyada, ayagoo isu maleyn inay wanaajinayaan”.Suuradda Al Kahf aayadaha 103 iyo 104.

Dabeeta Sacad wuu habaaray fidna wadayaasha. Waxay salafkii sheegeen, sida uu Ibnu Jariir soo weriyey in dhammaan dadkii dilay Cuthmaan ama ka dambeeyey dilkiisa in mid waliba la dilay, welibana si xun loo dilay. Sidaana waxaa ku dhacday inkaartii Sacad bin Abii Waqaas, oo ma jirin mid iyaga kamid ah oo si caadi ah u dhintay, illaa waala dilay mid waliba.

Muddadii go’doominta lagu hayay waxaa laga yiri aqwaal dhowr ah, waxaana ugu caansan in go’doomintaasi lagu hayay muddo 40 casho ah, waxaa sidoo kalena la sheegaa in lagu hayay dhowr iyo afartan casho. Shicbi wuxuu leeyahay:- Waxay muddadii go’doominta ahayd 22 casho. Sida khilaaf la’aanta ahina waa in la dilay maalin Jumca ah. Waqtigaasina waxaa lagu sheegaa inuu ahaa xilli barqa ah, ammintuna waxay ahayd 18-kii Bisha Dul Xajah.

Ammaa da’diisu, waxaa iyana laga yiri aqwaal dhowr ah. Saalix bin Keysaan wuxuu leeyahay:- Waxaa lagu oofsaday asagoo ah 82 jir.

Waxaa kaloo la yiraahdaa:- Wuxuu jiray 84 sano. Qataadah wuxuu leeyahay:- Wuxuu ahaa 88 jir ama 90 jir. Hishaam bin Kalbina wuxuu soo weriyey werin qariib ah oo ah 75 sano. Wallaahu aclam.

Ammaa halka uu qabrigiisu ku yaal, waa mid la wada ogsoon yahay oo aanan wax khilaaf ahi ka taagneen, wuxuu ku yaal qabuuraha Baqiic, oo lagu aasay saddex ama labo casho kadib dilkisii Ilaahay haka raalli noqdee.

Imaam Maalik wuxuu yiri:- Waxaa isoo gaartay in Cuthmaan uu mari jiray halka Xashul Kowkab goobta qabrigiisa ee Baqiica oo markaasi uu oran jiray:- Halkani waxaa lagu aasi doonaa nin suubban.

Waxaa la sheegaa in la aasay goor habeen ah, ayadoo laga cabsi qabay nimanka fidna wadayaasha ahi. Waxaa kaloo la sheegaa in ayaga laga idin dalbaday si loo aaso maydkiisa. Dabeeta qaar kamid ah saxaabadii ayaa ka qayb qaadatay aaskiisa oo aasay goor habeen ah, Maqribka iyo Cishaha inta u dhaxaysa, waxayna kala ahaayeen Xakiim bin Xizaam, Xuwaydhib bin Cabdilcuzza, Abuu Jaham bin Xudayfah, Niyaar bin Mukrim Al Aslami, Jubayr bin Mudcim, Zayd bin Thaabit, Kacab bin Maalik, Dalxa bin Cubaydillaah, Miswar bin Makhrama, Zubayr bin Al Cawwaam iyo Cali bin Abii Daalib. Waxaa kaloo ka qeyb qaatay dumarkii Cuthmaan oo ay kamid ahaayeen Naa’ilah bint Faraafisa iyo Umu Baniin bint Cuyaynah, iyo weliba qaar kamid ah dadloo Muslimiinta. Waxaa la sheegaa Marwaanna inuu ka qeyb qaatay.

Waxaa janaasadiisii qaaday Miswar bin Makhrama, Abuu Jaham bin Xudayfah, Jubayr bin Mudcim iyo Niyaar bin Mukrim.

Waxaa la isku khilaafaa cidda tujisay janaasadiisa, waxaana la sheegaa inuu Jubayr bin Mudcim tujiyey. Sidoo kale waxaa kaloo la sheegaa inuu Zubayr bin Mudcim tujiyey, ama Xakiim bin Xizaam, ama Miswar bin Makhramah, ama Marwaan bin Xakam. Wallaahu aclam.

Galbeedka Baqiic ayaa lagu aasay Cuthmaan bin Cafaan Ilaahay haka raalli noqdee, meel ka yara durugsan qabuuraha Muslimiinta. Markiina la gaaray waqtigii Mucaawiyah, buu amray in dhanka qabrigiisa ku aastaan dadka ay ehelladooda ka geeriyoodeen, jeer markii dambe ay qabuurahii Muslimiinta gaareen halkii uu ku aasnaa Cuthmaan Ilaahay haka raalli noqdee.

Nucmaan bin Bashiir baa mar dambe geeyay Shaam khamiiskii Cuthmaan lagu dilay isagoo leh dhiiggii Cuthmaan iyo farahii xaaskiisa Naa’ilah, waxayna reer Shaam surteen masjidkii oo ay ku dul barooranayeen, wuxuuna Mucaawiyah amar ku siiyey wixii fidna wadayaasha kamid ah oo la arko in la laayo.

Illaahay ha unuuriyo qabrigiisa oo ha u waasiciyo amiirkii Mu’miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan.

Aamiin Aamiin Aamiin.

Wabillaahil Mustacaan

Cumar

CUMAR BIN ALKHADDAAB (AMIIRUL MU’MINIIN)

”Dadkii idinka horreeyey waxaa kamid ahaa dad la ilhaamiyo, haddiina uu umaddeyda ku jiro qof (la ilhaamiya) waa Cumar”

Sidaa waxaa yiri Rasuulka Alle (SCW).

Abuu Xafsah Cumar bin Al Khaddaab, waa mid kamid ah saxaabadii suubaneyd ee udgoon badane xabiibkeenii Muxammed SCW. Waxuu ahaa mid kamid ah raggii Rasuulka SCW ka ag dhawaa, waa mid kamid ah tobankii Jannada loogu bishaareeyay iyagoo dunida guudkeeda saaran, iyo weliba amiirkii ugu horeeyay ee Mu’miniinta oo idil amiir u noqdaa. Waxuu ahaa khaliifkii labaad ee khulufaa’u Rashidiinka, iyo qofkii ugu horeeyay ee salaadda taraawiixda jideeyo in halmeel lagu tukado, iyo qofkii ugu horeeyay ee amray taariikhda hijriyada in la qoro.

Inaayadiisu waxay ahayd sidan: Cumar bin Al Khaddaab bin Nufeyl bin Cabdulcuza bin Rayaax bin Cabdillaahi bin Quraddi bin Razaax bin Caddiyi bin Kacab bin Lu’ay bin Qaalib bin Fihir (Qureysh) bin Maalik bin Nadar Al Qurashi Al Cadawi. Waxuu ka dhashay qoomyowga Qureeshta gaar ahaan jilibka banii Caddiyi bin Kacab oo Qureeshta u qaabilsanaa dhanka garsoorka iyo kala xukmidda dadka is qab qabsada. Aabahii waxuu ahaa mid kamid ahaa saadaaddii banii Cadiyi iyo odayaashii Qureeshta ugu caansanaa, isaguna Cumar waxuu kamid ahaaa raggii ugu muuqdat ashraafta Qureesheed, weliba kuwii ugu caansanaa ee geesinnimada lagu yaqiinay.

Hooyadii waxaa la oran jiray Xantamah bint Hishaam bin Muqiirah bin Cabdillaahi bin Camr bin Makhzuum Al Qurashiyah Al Makhzuumiyah. Waxay la dhalatay Abuu Jahal bin Hishaam, sidaa darteedna Abuu Jahal waxuu Cumar u ahaa abti. Cumar reer abtiyaashii waxay ahaayeen jilibkii Qureeshta u qaabilsanaa arrimaha dagaalka iyo hoggaamintiisa. Sidaa darteed waxuu Cumar ka dhashay laba jilib oo kamid ah kuwii ugu cad caddaa Qureeshta dhexdeeda oo ugu dhex muuqday. Waxuu Cumar ahaa waqtigii jaahiliyada mid wax waliba kusoo dhacsada xoogiisa iyo karti uu Illaah siiyey, waxuuna ahaa mid dabci adag oo aan waxbo laga duudsan karin laguna dhici kareyn. Waxuu ahaa geesi aan gambasho aqoon oo Makka iyo hareeraheeduba caan ka ahaa. Oo waxuuna ahaa mid aan Islaamka iyo waqtigii Jaahiligaba aanan laga adkaan.

Cumar bin Al Khaddaab waxuu caan ku ahaa xoog iyo geesinnimo, waxuuna u ahaa Qureeshta safiir ay u dirsan jireen arrimaha ay ku dhici waayaan. Mathalan markii ay isku dhacaan Qureeshta iyo qola kale oo ay ku haggaagi waayaan inay ergay u dirsadaan iyagoo ka cabsi qabo in ergeygaasi laga dilo, bay diri jireen Cumar bin Khaddaab oo Carab idil ay ka haybeysan jirtay.

Waxuu dhashay Cumar kadib dhacdadii Caamul Fiil (Sanadkii maroodiga) muddo laga jooga 13 sanadood, oo ku beegan afartan (40) sano kahor taariikhda hijriga (kuna beegan markay taariikhda miilaadigu ahayd 584). Markii Rasuulka SCW lasoo dirayey waxuu Cumar jiray 26 ama 27 sano. Waxuuna islaamka la colleytamayey muddo lix sanadood ah, waxuuna Muslimay isagoo 32 ama 33 jir iyo dhowr bilood ah. Waxuu Cumar ku dhashay magaalada Makka oo uu ku barbaaray, waxuuna kamid ahaa raggii ugu ad adkaanta badnaa oo ka hor yimid dacwada diinta Islaamka. Waxuu Cumar bin Al Khaddaab aad ugu dhegnaa diintii aabayaashiis oo uu aaminsanaa inay iyadu tahay tan ugu tubta toosan ee degtay qalbigiisa, saaqdayna luddiisa iyo laftiisa, waxuuna Rasuulka SCW iyo asxaabtiisii qiimaha badneyd u muujiyey cadaawad aad u fog markii lasoo diray, oo waxuu caddibi jiray qaar kamid ah dadkii Mustadcafiinta ahaa ee iyagu Islaamka goor hore galay. Waxuu Cumar si daran u ciqaabi jiray gabadh la oran jiray Samiirah oo markii dambe xitaa indha beeshay siduu u ciqaabi jiray darteed si ay uga noqota diintan samawiga ah ee ay qaadatay.

Cumar bin Al Khaddaab waxuu ahaa mid kamid ah fardooleydii iyo raggii ugu akhyaarsanaa Qureesh iyo Carabta dhexdeeda waqtigii Jaahiliga, oo waxuu ahaa mid laga wada cabsado.

Islaamiddiisii & Mowqifkiisii Hore

Xilli Muslimiintii ciriiri iyo dulmi lagu hayo, oo xaaladdu ay darantahay ayuu Illaahay nuur usoo saaray Muslimiintii oo waxaa Islaamay Cumar bin Khadaab. Rasuulka SCW ayaana taa Rabbigiis ka baryey. Cabdullaahi ibnu Mascuud waxaa laga soo weriyey inuu Rasuulka SCW yiri: Alloow Islaamka ku adkeey labo nin midkood, Cumar bin Khaddaab ama Abuu Jahal. Ducadaasi iyada ahina Alle waa uu aqbalay oo waxuu ku sharfay Cumar bin Khaddaab kadib markii uu muddo 6 sanadood la colleytamayey Islaamka iyo ehelkiisa, waxuuna taa ka hor Cumar taagnaa mowqifka abtigiis Abuu jahal, oo maysan jirin cid is lahayd ama ku fakereysay Cumar wuu Islaami doonaa, laakiin cidduu Alle hanuuniya cidi hor istaagi kari meyso, iyada ayunbaana noqon ta hanuunsan, oo Alle wax waliba isagu wuu awoodaa waana qaadir fal san.

Cumar bin Al Khaddaab waxuu ahaa mid qalbigiisu adag yahay, oo dabeecad kulul iyo awood badanna leh, Muslimiintuna in badan bay dhibaatooyin kala kulmi jireen. Waxuu Cumar ku fekeri jiray arrimo is khilaafsan oo mar waxaa ku weyneed diintii aabayaashiis, marna hawadiisii iyo macmaansigii nolasha dhalin yarannimada ee uu markaa dhex dabaalanayey, waxuuna ahaa nin cabbo khamriga, jecelna cayaaraha iwm ee ay markaasi bulshadii jaahiliga ku dhex jirtay, dhanka kalena waxuu la yaabayey oo fajaciso ku ahayd ad adkaanta Muslimiinta iyo siday ugu dul qaadanayaan dhib waliba oo ku yimaado oo aysan marna uga laabaten nuurka iimaanka ee qalbiyadooda degay. Tanina waxay ku reebtay qalbigii Cumar raad lama illaawaan ah.

Iyadooy sidaa tahay haddana Cumar waxuu ka fuqi waayey mowqifkii uu abtigiis Abuu Jahal mataanka kala ahaa ee ahaa sanam caabudka iyo la dagaallanka Islaamka. In badan kama soo wareegin markay qaar kamid ah Muslimiintii u alaab xir xirteen inay dhulka Alle u qaxaan oo meel ay dagaan oo Rabbigooda ku caabbudaan ka raadsadaan, kadib markii lagu jarribay baladkoodii oo ay sokeeyahoodii iyo xulufadoodii saareen, Cumarna waxuu kamid ahaa dadkii usababta ahaa qaxaasi iyo qaharkaas ku yimid Muslimiinta ee ay u hijroodeen dhul aysan aqoon dadkiisa, dabcigiisa iyo nolashiisa, dhankaa iyo dhulka Xabashida.

Umu Cabdillaahi Leyla bint Abii Xathmata iyo Seygeeda Caamir bin Rabiica waxay xufulo la ahaayeen reer banii Cadiyi bin Kacab gaar ahaanna qoyska reer Khaddaab bin Nufeyl Al Cadawi ee uu ka dhashay Cumar bin Khaddaab. Waxay kamid ahaayeen dadkii ugu horeeyay ee islaamay, waxayna Cumar kala kulmi jireen ad adkaan iyo kadeed badan iyo ciqaab si uu uga hor istaago diinta Islaamka. Maalin maalmaha kamid ayuu Cumar jidka kula kulmay Umu Cabdillaahi bint Abii Xathmah iyagoo u haajirayo dhulka Xabashida waqtigii hijradii Abasiinya. Markaa buu Cumar su’aalay Umu Cabdillaahi halka ay u socdaan goor uu ninkeedii Caamir bin Rabiica uu howla gaar ahaa ugu maqnaa, waxayna ku tiri:” Dhulka Illaahay ayaanu meel ka raadsaneynaa, waad na dhibteen oo aad na jarribteen”.. Markaasuu Cumar si murugo leh u eegay oo sagootiyey oo iskaaga laabtay. Markii uu Caamir yimid ayay Leyla u sheegtay arrintii dhex martay iyada iyo Cumar, oo misna waxay usheegtay dabacsanaantiisii iyo hadalkiisii dhimrisanaa ee aysan horey uga baran ee ay maanta ka aragtay kana maqashay, iyo weliba inuu aad uga murugeysnaa bixiddooda. Markaa buu Caamir su’aalay xaaskiisii Umu Cabdillaahi Leyla bint Abii Xathmata:” Ma waxaad damacsantahay inuu Cumar Islaamo? Markaasay tiri:” Haah! Markaasuu yiri:” Islaami mahayo, kii (Cumarkii) aan arkay, jeer ay Islaamaan dameeraha Khaddaab. Halkan waxaanu ka fahameynaa in aysan jirin cid ku fakereysay inuu Cumar islaamo ad adkaantii looga bartay iyo la colleytankii uu diinta Islaamka la colleytamayey darteed.

Habeen habeennada kamid ah ayuu Cumar kudhaxay meel aan aqalkiisu ahayn (golo ay ku sheekeysan jireen oo ay lahaayeen reer abtiyaashiis banii Makhzuum), dabeetana waxuu yimid kacbaddii goor mugdi ah, durtaba waxuu arkay Nebiga SCW oo salaad u taagan, markaasuu daaha ku dhakaday oo damcay bal inuu dhageysto waxa uu Rasuulka SCW akhrinayo. Wuxuu markaasi Nebigu SCW akhrinayey suuradda Al Xaaqah Saa Cumar wuxuu is yiri:- Malaha kani waa sidii ay Qureeshtu sheegeysay oo waa gabyaa?

Faadimah bint Khaddaab iyo seygeeda Saciid ibnu Zeyd, waxay Islaameen caaraddii hore ee Islaamku, waxayna Islaannimadooda ka qarinayeen Cumar si uusan ciqaab xanuun badan u marsiinin, sidaa si lamid ahna waxaa Islaamay Nucaym bin Cabdillaahi Al Cadawi (Al Naxaam) oo kamid ahaa rag karmeedyadii Qureeshta gaar ahaan banii Cadiyi, isaguna Islaamiiisu waa uu ka qarinjiray Cumar, .

Ad adkaantii Cumar waxay gaartay heer uu maalintii dambe seefta u siibta inuu soo dilo Rasuulkii Alle SCW, dabeeta waxaa la kulmay Nucaym bin Cabdillaahi oo weydiiyey halka uu kusocdo? Waxuuna ku jawaabay:” Waxaan doonayaa inaan soo dilo Muxammed (SCW), kan kala geeyay arrinkii Qureeshta oo duray ra’ yigoodii, oo wax ka sheegay diintayadii ee caayay Ilaahyadannada”.

Waxuu yiri:” Haddaba sideed uga nabad heli doontaa banii Haashim iyo banii Zuhrah (Waa labada reer ee uu Nebigu SCW kadhashay), haddii aad disho Muxammed? Markaasuu Cumar yiri:” Malaha adiguna sidaan kaa arko diintaadii ayaad ka baxday? Waxuu yiri:” Ma ku tusiyaa Cumaroow! arrin taa ka daran? Walaashaa Faadimah iyo seedigaa Saciid way ka baxeen diinta aad adigu haysatid”.

Markaa buu Cumar xaggoodii aaday si bal uu marka hore iyagu meel u saaro oo wax uga qabto, waxaana markaa qoyskaasi la joogay Khabaab bin Arat oo Quraanka bari jirey, markay maqleen shanqadha Cumar ayuu Khabaab dhuuntay. Faadimana waxay qarisay warqaddii Quraanka ku qornaa, markaasuu yiri:” Waa maxay gunu’gunida aan maqlayey? Markaa bay ku yiraahdeen: Waxbo ma jiro”. Markaasuu yiri:” Haaheey! waan maqlay inaad diinta Muxammed raacdeen, dabeetana seedigii Saciid ayuu ka dul dhacay oo si daran ugu istaagay. Faadimah ayaa damacday inay ka qabato iyadoo qaylineyso, saa iyadiina waa uu kala tuuray oo dakhar buu gaarsiiyey. Markaasay iyadoo careysan oo dhiiguna madaxeedu ka da’ayo tiri:” Waxaan qirayaa Inuusan jirin Alle la caabbudo oo aan Allaah ka ahayn Muxammedna SCW uu yahay Rasuulkii Alle. Markaa buu Cumar u diir naxay walaashii markii uu arkay dhiigga ka hoorayo madaxeeda oo ka kacay seedigii, dabeetana waxuu weydiiyey inay u dhiibto waxii ay akhrinayeen bal si uu u eego, hase ahaatee waxay walaashii ku tiri:” Adigu waxaad tahay fadaro najaas ah, mana taabato Quraankan cidaan daahir ahayn ee kacoo soo maydho, markaasuu kacay oo soo mayrtay, dabeetana warqaddii ayuu ka qaaday oo inta kala bixiyey akhriyey waxii ku qornaa. Cumar waxuu ahaa mid wax qora waxna akhriya, taas ayaa ka haqab tirtay in loo akhriyo, isagii ayaana akhristay, waxaana ku qornaa awaa’ilka suuradda Daha, waxuuna akhriyey Suuraddii illaa uu ka gaaray aayaddan: Anigu waxaan ahay Allaah, Illaah kalena majiro, oo aan anigu ka ahayn ee i caabbudo aniga oo kaliya, salaadduna u ooga xusiddeyda.

Markaasuu yiri:” Oo maxaa ka wanaag badan oo ka sharaf badan hadalkan? Bal Muxammed itusiya. Dabeeto Khabaab oo dacal aqalka kamid ah isku qarinayey ayaa soo booday oo banaanka yimid, waxuuna yiri:” Abshir Cumaroow! waxaan ku rajo weynahay inuu Allaah aqbalay ducadii Rasuulkiisa SCW, waxaan maqlay isagoo oranaya:” Alloow! diinta ku adkeey Cumar bin Khaddaab ama Abuu jahal. Kadib Cumar waxuu soo aaday dhankii daarta Arqam bin Abul Arqam oo ay usoo tilmaameen inuu Rasuulka SCW jooga, si uu ula kulmo. Saxaabadii qaar kamid ah ayaa ka arkay doc yar isagoo seeftiisa sito oo usoo socda dhanka daarta, markaasay Rasuulka SCW usheegeen, waxaana daarta joogay rag ay kamid ahaayeen Xamzah oo isagu maalintaa ka hor saddex casho soo islaamay, Cali bin Abii Dhaalib, Abuu Bakar Sidiiq iyo rag kaloo kamid ah kuwii aysan usuuroobin inay u qaxaaan dhulka xabashida, Xamzah ayaa yiri markaa:” Bal ka leexdo oo albaabka ka furo, haddii uu wanaag rabo waanu siineynaaye, hadduuse shar u yimidna seeftiisaanu ku dili doonnaa”. Cumar waxuu soo hor fadhiistay Rasuulka SCW , markasuu Nebiguna SCW weydiiyey waxa xilligan keenay, markaasuu yiri :” Waxaa i keenay inaan Alle iyo Rasuulkiisa iyo waxa uu xagga Rabbigiis ka keenay rumeeyo, waxaana qirayaa inuusan Alle kale jirin illaah mooyaan, adiguna aad tahay Rasuulkii Alle, sidaa buuna u islaamay. Cumar markuu islaamay Ilaahay wuxuu Muslimiintii siiyey Cissi iyo xoog, xaaladdii Makkana way is baddeshay. Cumar isla markiiba wuxuu qaadey tallaabooyin, wuxuu yiri:” Waxaan is weydiiyey ninka dadka ugu necbaan og Islaamka markaasaan xasuustay inuu Abuu jahal yahay, saan gurigiisii ugu tegey oo aan irrida ku garaacay, markasuu iga furay oo i soo dhoweeyey iguna yiri ” Maxaa dan oo aad u timid? waxaan ku iri:” Waxaan kuugu imid inaan ku ogeysiiyo inaan islaamay oo aan rumeeyey Alle iyo Rasuulkiisa SCW, waxii aan haysan jirneyna oo sanam caabbud ahaana aan beeniyey” Abaa jahal intuu aad u argagaxay buu yiri “waxaad la timid baa baas lahaaday”. Oo gurigii ayuu dalaq yiri oo ku cararay.

Dhanka kale waxuu yiri ” Waxaan is weydiiyey yaa ugu warqaad badan reer Makka oo dadka oo dhan hadalka gaarsiin kara? Saa waxaan xasuustay inuu yahay Suneym ibnu Camar al- Jumuxi, markaas baan u tegay oo ku iri:” Waan islaamay”. Suu qeyliyey isagoo oranaya:” Cumar bin Khadaab waa iishay”. Cumar-na wuu ka daba hadlayey isagoo leh:- Ma iilan ee waan Islaamay. Waxaa kale oo Cumar uu sameeyey markuu Islaamay ayuu Rasuulka SCW ku yiri:” Rasuulkii allow! sow inagu xaq kuma taagnin? Haddaba aynu baxna oo dhammaanteen aan kacbada ku soo tukanno”. Rasuulkuna SCW inkastoo uu u ogaa in Muslimiintu ay yaryahiin hadana kama uusan diidin Cumar in ay Kacbadda kusoo tukadaan, waayo waxuu ogaa Rasuulku SCW in Islaamku iyo Muslimiintuba ay gunnimo ka baxeen mar haddii uu Islaamay Cumar ibnu Khadaab, oo sidaa darteed wuu ka yeelay hintisihiisii. Markaa baa waxaa soo baxay asxaabtii oo laba saf ah, oo safi Cumar ku jiro safka kalena uu Xamsa kujiro. Qureysh talo ayaa ku caddaatay waxayna ka caroodeen waxyaalaha uu Cumar sameeyey, waxay markaa ku tashadeen ineyba dilaan hase yeeshee waxaa arrintaa is hor taagay Al Caas bin Waa’il As Sahmi oo magan geliyey, waxayna ahaayeen xulufo isaga iyo reer Khaddaab. Markii ay Qureeshti damacday inay dilaan Cumar buu isaguna intuu Cutbah bin Rabiica qabtay hoosta gishtay oo jukeeyay, waxuu yiri :” Dayn maayo jeer aad ideysaan”.

Markii uu Cumar Islaamay dadkii sartaa kujiray oo idil baa farxad darteed mar qura la wada takbiirsaday takbiir laga maqlay Kacbada (Allaahu Akbar),

Rasuulku SCW aad ayuu ugu farxay Islaamiddii Cumar.

Cabdullaahi Ibnu Mascuud waxuu yiri:” Kacbadda agteeda horey ugumaan tukan illaa uu Cumar Islaamay”.

Suheib bin Sinaan waxuu yiri:” Markuu Cumar Islaamay diintii Islaamku way adkaatay oo si cad baa loo faafiyey, oo kacbadda agteedaanu fadhiisannay, oo ku dawaafnay, ciddii wax na yeeshana aan iska dhicinnay oo aan ka aargudannay.

Maalintaa iyada ahi ee uu Cumar Islaamay, Muslimiintiina uu u sababay inay galaan Kacbadda oo ku tukadaan, ayaa loo baxshay Al Faaruuq ( Kii xaqa iyo baadilka kala geeyay ). Sowda bint Samcah waxay jirtay dhulka Xabashida oo ay u hijrootay, markay maqashay Islaamidda Cumar ayay timid magaallada Makka.

Cumar markii uu Muslimay waxuu Islaamkii Alle u siyaadiyey cizi iyo quwad oo, ducfigii iyo gunnimadii ayuu ka saaray, markaa ayayna Qureeshtu garowsadeen inay diintani sare mari doonta oo ay awood buuxda yeelan doonta.. Cumar waxuu ku sugnaa magaalada Makka tan waqtigii Hijriyada, waxuuna ahaa nin laga wada cabsado, oo Islaamkuna tiir adag u ahaa, cid ku dhici jirtay ama haweeysan jirtay oo wax ka sheegi kartayna ma aysan jirin, intaa dabadeedna waxuu u hijrooday magaaladii Madiina, isagoo safarkiisii hijrada kula rafiiqay Cayaash bin Abii Rabiica iyo Hishaam bin Al Caas. Hishaam isagu waalaga war helay oo waala xabbisay. Cumar iyo Cayaashna waa ay is raaceen, hase ahaatee Cayaash isaguna waala soo celiyey kadib markay qayaameen Abuu Jahal iyo Al Xaarith bin Hishaam oo hadal been ah usheegay inay hooyadii nidar ku gashay ineysan timaha shanlaysan oo aysan qorraxda ka harsan jeer ay aragto.

Al Muhiim: Taasi waa qiso dheer uu u baahan in laga akhristo kutubta siirada Nebiga SCW, Cumarna isagu waa uu hijrooday, Cayaashna waa la celiyey . Markiina uu tegay Cumar magaaladii Madiina waxuu Rasuulka SCW la walaaleeyay Citbaan bin Maalik.

 

Qaar Kamid Ah Fadliga Cumar

Cumar bin Khaddaab waxuu lahaa fadli aad u tiro badan, oo aan runtii lasoo koobi karin, waxuuna ahaa saxaabiga labaad ee ku xigay Abuu Bakar Sidiiq Allaha ka raalli noqdee, Cumar bin Khadaab, waxaan ku xasuusannaa inuu ahaa mid kamid ah 10-kii jannada loogu bishaareeyay iyagoo dunidan guudkeeda saaran, Alla maxaa ka nasiib badan qof isagoo dunida saaran loogu bishaareeyay oo lagu yiri Janno ayaad galeysaa? May wallaahi ma jirto fadli ka weyn iyo bishaaro ka qiimo badan.

Waxuu Cumar ahaa mid kamid ah saxaabadii waa weyneed iyo culimadii caabidiinta ahayd ee ka saahidday dunida iyo dhaldhalaalkeeda kuna beddashay raalli ahaanshaha Allaah Sarreeye. Waxuu ku lahaa mawaaqif dhowr ah kitaabka Allaah SW, iyo ra’yi kasoo fulay Cumar oo Alle ku caddeeyay Quraanka, waana halka uu imaam Cali ka leeyahay:” Waxaanu u arkay Quraanka inay kujiraan kalmado kamid ah kalmada Cumar (kasoo fulay) ama ra’yi kamid ah ra’yigii Cumar”.Waana sida uu Cabdullaahi ibnu Cumar ka yiri:” Ma kusoo degin dadka arrin ay si uyiraahdeen, oo Cumarna si kale u yiri, illaa Alle waxuu soo dajiyey Quraan uu ku waafaqaya maqaallada Cumar ibnu Khaddaab. Taasina waxaa marag ma doonta u ah, dhacdadii Bader markay dhacday waata keentay in maxaabiis badan oo Qureeshta kamid ah lasoo qafaashay, oo dabadeedna raggii saxaabada ay shir u fadhiisteen, shirkaasoo uu guddoominayey Rasuulka SCW, nin walibana sidii laga yeeli lahaa maxaabiistaas ayuu sheegay oo siduu ra’yi ahaan u arkayay ayuu ka dhawaajiyey. Maalintaa iyada ahi Abuu Bakar waxuu soo jeediyey in madax furasho laga qaato oo la iska sii daayo, Cumarna waxuu ra’yi ahaan soo jeediyey in qof waliba xigtadiisa loo dhiibo oo uu kurka ka jaro, waxuuna dalbaday mid isaga tolkiisa ahaa oo ku jiray maxaabiista in gacanta loosoo geliyo oo uu unuunka u dheereeyo, Calina loo dhiibo walaalkiis Caqiil, Xamzana loo dhiibo walaalkiis Al Cabbaas, waxuuna soo jeediyey in ninba ninka xigo uu kurka kajaro si aysan meeshu dakano u soo galin, oo Allena u ogaado buu yiri: inaysan wax gacaltooya innaga iyo kuwaasi na dhex oolin. Haddaba Rasuulku SCW waxuu doorbiday ra’yigii Abuu oo isagii ayuu dadkii ku xukmiyey. Isla habeenkaasina waxuu Alle toddobada samo dushooda kasoo dejiyey aayado u muuqday canaan iyo inay yahiin kuwa sabab u noqon lahaa inay ciqaab iyo carro Alle soo degto, haddaysan jiri lahayd qowl horey Rabbi uga dhacay oo ahaa : Intaa kadib u falo axsaan ama ka qaato madax furasho. (Suuratu Muxammed aayadda 4aad). Aayadii kusoo dagay shirkaas isaga ah ee Cumar ra’yigiisa ayidayey waxay ahaayeen kuwan:

” Ma habbooneyn in ay Nebi u ahaato maxaabiis illaa uu kaga jilciyo dhulka, waxaad (idinku) doonaneysaan bilicda (dhaldhallaalka) adduunka oo Allane waxuu dooni aakhiro, Allana waa adkaade fal suubban. Haddii uusan jiri lahayn qoraal horeeyay oo xag Alle ka ahaaday, waxaa idin qaban lahaa waxaad qaadateen (oo madax furasho ah) darteed cadaab daran”. Suuratul-Anfaal aayadda 46aad illaa 47aad.

Qoraalka aayaddani lagu xusay ee aan horey u xusnay isagu waxuu caddeynayaa inay banaantahay madax furashada oo aad sii dayn karto maxbuuska intaad madax furasho ka qaadato, laakiin sida kamuuqato aayadda waa in ay habbooneyd in la edbiyo gaalada oo aan laga qaadan wax madax furasho ah , waxayna ayideysaa qowlkii iyo ra’yigii Cumar.

Ad- adkaantii uu diinta Islaamka Cumar ku ad adkaa heer waxay gaadhay inuu maalintii Bader markuu arkay Suhayl bin Camr oo ku jiro maxaabiista oo afhayeenna u ahaa Qureeshata ayuu yiri:” Rasuulkii Alloow! dhoolasha ka siib hasoo dhaco carrabkuye si uusan mar dambe khudbo kaasoo hor jeeddo meel uga soo jeedinin. Rasuulku SCW waxuu u tilmaamay inuu iska daayo, waxuuna u sheegay in laga yaabo in Suheyl uu maalin uun ka istaago meel la mahadsho Islaamka, oo taasina way dhacday markii uu Rasuulka SCW geeriyooday oo ay reer Makka damceen inay riddoobaan ayuu Suheyl u khudbeeyay oo ku yiri:” Ma adinkoo dadka ugu Islaannimo dambeeyay baad iminka uga hor baxaysaan? Islaamkii ayayna ku sugnaadeen.

Abuu Hureerah waxuu yiri:” Rasuulka SCW waxuu yiri:” Ummadihii idinka horeeyay waxaa ku jiri jiray qof la ilhaamiyo, oo wax loo sheego (aanan Nebina ahayn) haddii uu ummadeydan ku jirana waa Cumar.

Abuu Dar Al Qafaari waxaa laga soo weriyey inuu yiri:” Waxaan maqlay Rasuulka Alle SCW oo leh: Alle waxuu xaqu yeelay carrabka Cumar. Abuu Hureerana waxuu yiri:” Rasuulkii Alle SCW waxuu yiri:” Alle waxuu xaqu yeelay carrabka iyo qalbiga Cumar”.

Cabdullahi ibnu Mascuud waxuu yiri:” Cizzi kamaanan suulin taniyo markuu Islaamay Cumar.

Ibnu Isxaaq waxuu Ibrahiim bin Muhaajir kasoo weriyey isaguna uu Mujaahid kasoo weriyey inuu yiri:” Haddii uu Cumar ra’yi keeno, Quraan baa soo degi jirey”.

Ibnu Mascuud waxuu yiri:” Islaannimadii Cumar waxay ahayd guul iyo nasri, imaaradiisina yacni xukunkiisii waxuu ahaa dhul furasho”.

Mucaad bin Jabal waxuu yiri:” Cumar waxuu geli jannada, oo Rasuulka Alle SCW waxuu yiri:” Goor aan Jannadu dhex joogo ayaan arkay daar ku dhex taallo, markaasan ku iri:” Oo yaa leh daartaan? Saa la igu yiri:” Cumar”.

Sidaa si lamid ahina waxaa soo weriyey Anas oo yiri:” Nebigu SCW waxuu yiri:” Jannada ayaan dhex galay, markaasaa waxaan is arkay anigoo ku sugan qasri dahab ka sameysan, saa waxaan iri:” Oo yaa iska leh? Markaasaa la igu yiri:” Waxaa leh Shaab (yacni nin dhalinyaro ah) oo Qureesheed ah’, markaasaan aniga isku maleeyay, markaasan ku iri:” Oo waayo? Markaasay igu yiraahdeen:” Waa Cumar”.

Abaa Hureerana waxaa laga soo weriyey oo uu isaguna kasoo weriyey in Nebigu SCW yiri:” Jannada ayaan dhex galay, markaasaan kula kulmay qasri dahab ah, oo i cajab geliyey quruxdiisa, markaasaan su’aalay:” Oo yaa iska leh? Markaasaa laygu yiri:” Cumar”. Iima aysan diidin inaan galo, ogaanshaha aan ogaa maseyrkaada mooyaan Abaa Xafsoow!. Markaasuu Cumar ooyey oo yiri:” Ma adigaan kaa maseyri Rasuulkii Alloow? Sidaa si lamid ahina waxaa soo weriyey Jaabir. Werin kalena waxaa ku sugneed in daarta ama qasrigu ay ag joogeen labo dumar ah, oo markay Rasuulka SCW u sheegeen in uu Cumar gurigaasi leeyahay uu ka tegay ogaansho uu ogaa maseyrka Cumar darteed, markaasuu Cumar ooyey oo yiri:” Ma adigaan kaa maseyri Rasuulkii Alloow?

Cabdullaahi ibnu Bureydah waxuu aabahiis ka soo weriyey inuu Rasuulku SCW yiri:” Waxaan xisaaban inuu sheydaanku ka leexdo Cumar”.

Muxammed ibnu Sacad waxuu aabahiis kasoo weriyey inuu Rasuulka Alle SCW yiri:” Illaah baan ku dhaartaye waddo maad martid, illaa sheydaanku waxuu maraa waddo kale (Wuxuu la hadlayey Cumar)”.

Cumar ayaa Rasuulka SCW idin weydiistay inuu usoo galo, goor ay dumar Qureesheed agjoogeen oo ay codkooduna sare ugu qaadayeen Rasuulka SCW. Markii ay maqleen idin dalbashada Cumar ayay wada aamuseen oo ay is wada qariyeen. Markii uu Cumar soo galay ayuu arkay Rasuulka SCW oo qoslahayo, markaasuu Cumar yiri:” Dhooshaadu Allaaha ka qosliyo Rasuulkii Alloow!. Markaasuu Nebigu SCW yiri:” Waxaan la yaabay dumarka kan ee markay codkaadu maqleen xijaabka kuwada orday”. Waxuu yiri Cumar:” Adigaa mudan Rasuulkii Alloow! inay iga kaa haybeystaan. Markaasuu dhankoodii u jeestay oo uu ku yiri:” Kuwii nafahooda cadawga u ahaayoow, ma anigaad iga haybaysaneysaan oo Rasuulkii Allana ma haybeysaneysaan? Markaasay yiraahdeen:” Haah! maxaa yeelay adigu waad ka ad adagtahay oo aad ka qallafsantahay Rasuulka Alle SCW”. Markaasuu Nebigu SCW yiri :” Ina Khaddaaboow! Sheydaan kugulama kulmo jid illaa waxuu qaaddaa dhabo kale oo aan taada ahayn”.

Rasuulka SCW waxuu yiri:” Waxaan leeyahay labo waziir oo samada ah iyo labo waziir oo dhulka ah. Labada samada ahi waa Jabriil iyo Miikaa’iil, labada dhulka ahina waa Abuu Bakar iyo Cumar”.

Waxaanu horey usoo xusnay qisadii Abuu Bakar markaynu ka hadleynay xadiiskii beerta ee uu Abuu Muusal Ashcariyu soo werinayey, kaasoo uu Rasuulka SCW janno ugu bishaareynayey raggii u yimid oo uu ku jiray Cumar, markuu lahaa ka fur uguna bishaaree Janno”.

Cumar Ibnu Khaddaab waxuu ahaa shaqsi aan fadligiisa lasoo koobi karin , waxii uu Rasuulka SCW ka yiri iyo waxii ay saxaabada iyo a’immada saalixiintu ka yiraahdeen, waana runtii mid aad u badan oo aynu soo koobi kareyn. Waxaana xusid mudan in waqtigiisii la furtay dhul aad ubadan, uuna noqday khaliifkii ugu fatuuxaadka badnaa Khulafaa’u Raashidiinka, sadarrada dambe ayaanna ku falaqeyn doonnaa hadduu Alle Sarreeyo idmo intaa ayaana uga baxayna fadligii Cumar.

Dumarkiisii & Carruurtiisii

Cumar waxuu dhalay Cabdullaahi, Xafsah iyo Cabdiraxmaan, waxaana u dhashay Zeynabah bint Madcuun bin Xabiib bin Wahab bin Xudaaf bin Jumux Al Qurashiyah Al Jumuxiyah. Waxaa carruurtiisaasi abtiyaal u ahaa saxaabada kala ah Cuthman bin Madcuun, Qudaamah bin Madcuun iyo Cabdillaahi ibnu Madcuun.

Waxuu kaloo dhalay Zeyd Al Akbar iyo Ruqayah, waxaana u dhashay Umu Kalthuum bint Cali ibnu Abii Dhaalib, waxaana Zeyd iyo Ruqayah ayeeyo u ahayd Fadimah az-Zahraa bint Xabiibullaah Muxammed SCW.

Waxuu kaloo dhalay Zeyd Al Asqar iyo Cubeydullaah (Cubeydullaah waxaa lagu diley dagaalkii Safiin asagoo la safan dhanka Mucaawiyah) Waxaa labadi udhashay Umu Kalthuum bint Jarwal bin Maalik bin Al Musayd bin Rabiicah bin Al Asram bin Dhubeys bin Xaraam bin Xabshiyah bin Salool bin Kacab bin Camr oo ka dhalatay Khuzaaciyiinta. Markii uu Islaamka yimid ayuu furay Cumar Umu Kalthuum bint Jarwal oo Islaamka ayaa kala geeyay.

Misna waxaa kaloo uu dhalay, Caasim oo ay udhashay Jamiilah bint Thaabit bin Abii Aqlac (Magaca Aqlac-na ama waxaa kaloo lagu sheegaa Aflax- ee waa Qays) bin Cismata bin Maalik bin Ammah ibnu Dhubeycah bin Zeyd, oo kasoo jeeddo Ansaarta reer Madiina gaar ahaan Aws.

Waxaa kaloo uu dhalay Cabduraxmaan Al Awsadh oo ku caan ahaa Abul Mujbar, waxaana u dhashay Luheycah oo Umu Walad ah.

Waxaa kaloo uu dhalay Cabduraxmaan Al Asqar, waxaana udhashay haweeney Umu Walad ah.

Waxuu kaloo dhalay Faadimah oo ay udhashay, Umu Xakiim bint Al Xaarith bin Hishaam bin Muqiirah, waxaa Umu Xakiim dhalay Cumar abtigiis.

Waxuu kaloo dhalay Zeynaba oo carruurtiisa ugu yar, waxaana udhashay Fukeyha oo Umu walad ahayd.

Waxuu kaloo dhalay Cayaad oo ay udhashay, Caatikah bint Zeyd bin Camr ibnu Nufeyl Al Cadawiyah. Waxay Caatikah la dhalatay Saciid ibnu Camr bin Nufeyl oo kamid ahaa tobankii Jannada loogu bishaareeyay.

Qaabkuu dumarka u guursaday waxay ahayd sidan:

Cumar wuxuu guursaday Islaamka ka hor Qureybah bint Abii Umayah oo dhanka aabaha walaal kala ahayd hooyadii Mu’miniinta ee Umu Salamah bint Abii Umayah. Wuxuu Cumar uga soo tegay magaalada Makka markii uu haajirayey, waxayna sababtu ahayd iyadoo ku baaqi noqotay diintii tolkeeda ee sanam caabbudka ahayd, markiina uu Alle soo dajiyey aayadahii uu ku xarrimayey calaaqaadka Muslimiinta iyo kufaarta, kadib heshiiskii Xudeybiyah ayuu Cumar furay, waxaana markaa guursaday Mucaawiyah ibnu Abii Sufyaan oo isagu markaa lamid ahaa iyada oo mushrik ahaa. Kadib waxay Islaamtay furashadii Makka waxaana guursaday Cabdiraxmaan bin Abii Bakar kadib markuu furay Mucaawiyah, waxayna udhashay Cabdullaahi, Umu Xakiim iyo Xafsah. Cumar-na waxbo uma aysan dhalin.

Waxuu misna guursaday Umu Kaltuum, Culimadu qaarkoodna waxay sheegaan in magaceeda saxda ahi uu ahaa Muleykah bint Jarwal Al Khuzaaciyah, waxuu guursaday waqtigii Jaahiliyada, waxuuna furay Xudeybiyah kadib iyadoo gaalo ah, waxaana guursaday markii uu furay Abii Jaham bin Xudeyfah oo qowmkeeda ka mid ah, oo markaa iyadoo kale ahaa mushrik.

Waxuu misna guursaday Zeynabah bint Madcuun Al Jumuxiyah, waxay ahayd afadii saddexaad ee Cumar, waxuu ku guursaday magaallada Makka waqtigii Jaahiliga. Markii lasoo diray Rasuulkuna SCW waa ay rumeysay oo ay la Islaamtay zowjkeeda Cumar, waxayna u hijrootay magaalladii Madiina ayada iyo carruurteeda, waxay Zeynaba bint Madcuun ahayd sodahdii Rasuulka SCW illeen waxuu Nebigu SCW qabay gabadheeda Xafsa.

Kadib waxuu guursaday sanadkii 7aad ee hijriyada Jamiilah bint Thaabit oo u dhashay Caasim, kadibna wuu furay waxaana guursaday Zeyd bin Xaarith oo ay udhashay Cabduraxmaan bin Zeyd.

Kadib waxuu guursaday Caatikah bint Zeyd, waxay ahayd mid qurux iyo akhlaaq ku sifoowday, waxuu guursaday sanadkii 12aad ee hijriyada.

Kadib waxuu guursaday dumarkii aynu soo xusnay. Waxuuna dhalay dhowr carruur ah oo iskugu jiray wiilal iyo gabdho, wiilashiisu waxay kala ahaayeen: C/llaahi, Cabdiraxmaan Al Akbar, Cabdiraxmaan Al Awsadh, Cabdiraxmaan Al Asqar, Zeyd Al Akbar, Zeyd Al Asqar, Cubeydullaah, Caasim iyo Cayaad. Gabdhahiisuna waxay kala ahaayeen Xafsah, Faadimah Ruqayah iyo Zeynaba.

Nolashiisii Madiina

Cumar bin Al Khaddaab markii la yimid Madiina, waxuu laasimay la joogidda iyo ka ag dhawaanshaha Rasuulka SCW. Waxuu kala qeyb qaatay duullaamadii uu qaaday oo idil, Bader, Uxud, Khandaq, iwm. Waxuu sidoo kale hoggaamiyey qaar kamid ah wardoonno ama sirriyaad. Maalinti Bader waxuu dilay abtigiis Al Caas bin Hishaam. Maalintii Uxud waxuu kamid ahaa raggii ugu horeeyay ee durbo soo laabtay kadib markay Muslimiintii jabeen, waxuuna kamid ahaa raggii difaacayey Rasuulka SCW. Waxaynu xasuusannaa inuu ahaa Cumar ninkii ujawaabayey maalintaa (Uxud) Abuu Sufyaan, markii uu lahaa:” Muxammed ma idinku jiraa?, (Looma jawaabin), Ina Abii Quxaafah (yacnii Abuu Bakar) ma idinku jiraa? Cumar ibnu Khaddaab ma idinku jiraa? Markii loo jawaabi waayey ayuu yiri:” Waala idinka kaafiyey kuwas. Xaqiiqdii Abuu Sufyaan waxuu ogaa inay saddexduba (Rasuulka SCW , Abuu Bakar iyo Cumar) ay ahaayeen horwadeennadii Islaamka, waxuuna yaqiinsanaa inay taasi hadday dhacdo oo saddexdooduba la dili lahaa ay jab weyn ku noqon lahayd Islaamka iyo Muslimiintuba. Haddaba markaas ayuu Rasuulka SCW amray inuu Cumar ujawaab celiyo, markaasuu ujawaab celiyey oo usheegay inay saddexdooduba nool yahiin.

Cumar ibnul Khaddaab mar waliba waxuu taagnaa dhinaca Rasuulka SCW, oo dhammaan dhaqdhaqaayadii oo idil waa uu ka qayb qaatay. Markii uu Rasuulka SCW geeriyooday Cumar waa uu ku qanciyey waayey taas, miirkiisii ayaana tegay, oo waxuu yiri:” Ruuxii yiraahdo Rasuulka SCW wuu dhintay unuunka ayaan udheereyn”. Waxuu ku andacoonayey Cumar inuusan Rasuulka SCW dhiban, bal ee uu iman doono oo gacmo badan oo munaafiqiintana uu goyn doona.

Cumar waxuu raad weyn ku lahaa doorashadii Abuu Bakar, waxuuna aaminsanaa inaysan jirin cid ka hor mari karto Abuu Bakar Sidiiq. Markii uu Abuu Bakar Ansaarta la hadlayey si khilaafada ay u qabato cid Qureeshta ka dhalatay, waata uu yiri:” Labadan nin midkii aad ka raalli tahiin doorto (yacnii Cumar iyo Abaa Cubeyda bin Al jarraax). Cumar waxuu oran jiray:” In dembi la’aan kurka la iga jaro ayaan ka jeclaa inaan madax u noqda dad uu Abuu Bakar kujiro”. Sidaa darteed marka ma uusan jeclaan in uu qabto khilaafada ka hor Abii Bakar Siddiiq. Waxuu Cumar ahaa qofkii ugu horeeyay ee gacanta Abuu Bakar qaada oo la baayactamo, markaasay dadkii meesha joogayna la mubaayacoodeen.

Cumar Ibnul Khaddaab waxuu la shaqeynayey khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Sidiiq, isagoo markaana garab buuxo u ahaa oo howlaha la kala waday. Ka ag dhawaanshahii Cumar uu ka ag dhawaa Abuu Bakar iyo sidii uu welibo howlaha ula waday, waxay gaartay heer Dhalxa bin Cubeydillaah uu u tegay Abuu Bakar oo uu ku yiri:” Abuu Bakaroow! ma adigaa madax noo ah ama Cumar? Runtii Cumar waxuu ahaa nin karmeed aad iyo aad loo qadariyo, oo misna go’aan adag leh, waxuuna ahaa mid aan ka ag faaruqi jirin muddadii adkeyd ee xaaladdu qaraarka ahayd.

Dooorashadii Cumar & Dhul Furashooyinkiisii

Markii uu geeriyooday Abuu Bakar, khilaafadii waxuu uga tegay Cumar (oo lala mubaayacooday maalintii labaad ee geerida Abuu Bakar, 22 Jamaadul Aakhir 13 Hijriyada oo ku beegneyd Augosta 632 miilaadiga), kadib markuu Abuu Bakar kala tashaday saxaabadii Rasuulka SCW oo dhammaantoodi ay isku raaceen in uu Cumar uga tego khilaafa Dhalxa mooyaan oo isagu ka sheeganayey ad adkaantii Cumar. Haddaba markii uu Cumar khilaafada qabtay oo lala mubaayacooday waxuu halkii kasii waday howshii uu Abuu Bakar ka tegay. Aynu ka billawna sanadkuu xilka khilaafada qabtay.

SANADKII 13AAD

Sanadkan runtii wuxuu ahaa sanadkii ugu horeeyay ee uu Cumar khilaafada qabtay, waxaana usoo qaadan doonnaa khilaafadiisii sanad sanad, innagoo tixraaceyna nidaamka iyo dhacdooyinkii dhacay waqtigiisa oo isugu jiro dhul furashooyin iyo dhacdooyin kale oo lama huraan ah in iyaguna la sheego. Dhulalka Ciraaq iyo Shaam waxaa ka socday dagaallo waqtigii Cumar, waxaana soo qaadan doonnaa sanad waliba dagaalladii ka socoday labada dhinac innagoo marba qaadaa dhigi doonna dhinac kamid ah labada dhinac, intuu Rabbi inoo sahlo.

Imminkuna waxaan soo qaadan doonnaa

Howshii ugu Horreysay ee Cumar

Tani waxay ahayd howshii ugu horreysay ee uu Cumar ku dhaqaaqo, markii uu khilaafada qabtay kadib.

Waxaanu horey u ogeyn ama aan soo xusnay in Muthana bin Xaaritha uu yimid Madiina isagoo gurmad ka dalbanayey Abuu Bakar, Siddiiq markaasina waxay ahayd goor uu Abuu Bakar hayey xanuunkii uu dunida kaga faaruqay. Markii uu Abuu Bakar arkay Muthana oo dul taagan ayuu Cumar ku yiri:” Markaan dhinto yaadan galabeysan jeer aad dagaalka Ciraaq ku boorido dadka, oo Muthanna aad ciidan ku darto, haddii uu Alle idiin furo Shaamna, ciidankii Khaalid ku celi Ciraaq”. Markii uu Abuu Bakar geeriyooday, ayuu Cumar warqad u diray dhanka Shaam iyo ciidamadii ka dagaallamayey Yarmuuk, warqaddaasina waxay ahayd tii caddeyneysay casiliddii Khaalid, iyo geeridii ku timid Khaliifadii Rasuulka Alle SCW ee Abuu Bakar Siddiiq, waxaana warqaddaasi siday Manjimah bin Zaniim, goor lagu jiray dagaalkii Yarmuuk ayayna gaadhay, markaasuu Khaalid Muslimiintii ka qariyey geerida ku timid, Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar si aysan u niyad jabin ciidanku.

Kadib maalintii labaad ee laga soo wareegay geeridii Abuu Bakar buu Cumar ka dhex istaagay masjidkii oo dadkii u khudbeyay kuna booriyey dagaallada Ciraaq kasocda, hase ahaatee cidi umaysan kicin, ogaansho ay dadku ogaayeen darteed in la dagaallanka reer Furus uu yahay mid lagu hoogga oo ka daran kana kulul kan lShaam ka socoda. Misna maalintii labaad oo ah maalintii 3aad ee laga soo wareega geeridii Abuu Bakar ayuu Cumar kacay oo dadkii u khubeyay oo ku booriyey jihaadka iyo dagaallada ka socona dhulka Ciraaq, waxuuna ugu bishaareyey waxa sawaab iyo ajar uu Illaahay meeshaas oo kale dhex yeelay, hase ahaatee cidi umaysan kicin sidii maalintii hore, misna maalintii saddexaad ayuu sidii si lamid ah falay. Kadib waxaa kacay Muthana bin Xaarith Ash Sheybaani oo dadka xasuusiyey wixii guulo iyo nasri ee uu illaahay ku siiyey gacanta Khaalid markuu halkaasi (Ciraaq) joogay, hase ahaatee sidii si lamid ah cidi maysan kicin, mana ajiibin dhawaqa jihaadka. Kadib maalintii afraad ayuu Cumar sidii si lamid ah dadkii u khudbeeyay oo ku booriyey jihaadka, markaa baa waxaa kacay Abuu Cubeydah bin Mascuud Ath-Thaqafi, oo nin dhalin yaro ah, dabeetana dadkii baa iska daba kac kacay jeer la helay ciidan, markaasuu Cumarna masuul uga dhigay Abaa Cubeydah bin Mascuud, oo markaa aan ahayn saxaabi, raggii saxaabada baa Cumar weydiiyeen:” Oo maad u magacawda ciidanka nin saxaabadii Rasuulka SCW kamid ah? Markaasuu Cumar yiri:” Waxaan uun magacaawi kii ugu horeeyay ee ajiibay dhawaqa jihaadka, adinkuna waxaad tahiin kuwa ku hor maray gargaarka diinta Islaamka (yacni gelideedda). Kadib Cumar waxuu u dardaarmay ciidankii guud ahaan , gaar ahaanna Abuu Cubeydah bin Mascuud cabsida Allaah iyo inuu la tashado ragga saxaabada Rasuulka SCW ee la socda isaga, gaar ahaanna waxuu amray inuu la tashado Suliidh bin Qeys Al Ansaari, waxuuna Cumar yiri:” Waa nin aad arrimaha dagaalka u yaqaanno”. Kadib ciidamadii Muslimiinta way dhaqaaqeen oo waxay abbaareen dhankii Ciraaq iyagoo tiradoodu ay markaasi tahay 7 000. Markaa buu Cumarna warqad u diray dhanka Shaam iyo masuulkii halkaasi ku sugnaa ee Abuu Cubeydah bin Al jarraax, taasoo uu kaga dalbanayo in ciidamadii Khaalid bin Waliid ee kasoo dagaallamay dhulka Ciraaq uu dib ugu celiyo, bacdamaa Yarmuuk lagu guuleystay. Dabeeto Abuu Cubeydah bin Al Jarraax waxuu diyaariyey ciidan culus oo uu u diro dhanka Ciraaq isagoo fulinayo amarka amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab, waxuuna diyaariyey 10 000 oo ciidan ah oo uu madax uga dhigay Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas Az Zuhri. Cumar ibnu Al Khaddaabna waxuu soo diray ciidan kaloo gurmad ah oo u badan reer Bujeylah oo uu hoggaaminayo Jariir bin Cabdillaahi Al Bujali.

Ciidamadii Abuu Cubeydah bin Mascuud markay gaareen dhulka Ciraaq, waxay la kulmeen iyadoo Faarisiintii ay xaaladi ka dhex aloolsantahay oo ay ku xad gudbeen boqorkoodii ayna dileen, waxayna ka fursan waayeen inay madax ka dhigtaan gabar la oran jiray Buuraan bint Kisraa (Barwiiz/ Abarwiiz), kadib markay dileen mid iyada ka horreysay oo la oran jiray Aazarmiidakhat bint Abarwiiz. Buuraan waxay heshiis la gashay nin la oran jiray Rustum bin Farakhzaad si haddii uu is hor taago dagaallada iyo weerarada ay Muslimiinta dhulka Furus kusoo qaadeen uu markaa qabanayo xilka boqornimada muddo 10 sanadood ah, kadibna uu usoo celin doona reer Kisraa, arrintaasina waa uu ku qancay Rustum. Waxuu Rustum ahaa mid xiddigaha wax ka sheeg sheego oo waxuu ahaa Saaxibun Najam, isagoo hadal hayo in ay muddada 10 kaasi sano u buuxsami doonin ayay dadkiisii weydiiyeey:” Maxaa haddaba kugu xambaarayo inaad sidaa fasho? Yacni waxay ula jeedaan in aad heshiis noocaas gasho adigoo aaminsan inaysanba kuu buuxsameyn oo aadanna hor istaagi karin ciidamadan Muslimiinta? Markaasuu yiri:” Waa uun iga damac iyo sadano doon yacni sharaf doon”.

Dhacdadii Numaariq

Markaa buu Rustum soo diray ciidan uu hoggaaminayo amiir la oran jiray Jaabaan, ciidankiisu labada dhinacna waxaa kala hoggaaminayey labo nin oo midi la oran jiray Jashnash Maah, kan kalena waxaa la oran jiray Mardaan Shaah. Waxay is heleen ciidankii Abaa Cubeydah bin Mascuud oo ay isku heleen goob la yiraahdo Numaariq oo u dhaxayso Xiirah iyo Qaadisiyah. Fardooleyda Muslimiintuna waxaa hoggaaminayey Muthanna bin Xaarith, ciidanka bidixdana waxaa hoggaaminayey Camr bin Al Heytham. Kadib waxaa halkaa ku dhex maray dagaal aad iyo aad u daran oo lagu jebiyey Faarisiintii, laguna soo qafaashay Mardaan Shaah iyo Jaabaan. Ammaa Jaabaan waxaa dilay ninkii soo qafaashay, Mardaan Shaahse isagu waxuu qayaamay ninkii soo qafaashay markaasuu iska sii daayey, haddana mar kale waxaa soo qabtay ciidankii Muslimiinta, waxayna ula yimideen amiirkii ciidanka ee Abuu Cubeydah bin Mascuud waxayna ku yiraahdeen:” Waa amiirkii ciidanka Furuse ee dil”. Isagiina Abuu Cubeydah waxuu yiri:” Haddii uuba amiirkii ciidanka yahay anigaa dilaya”. Unuunka ayuuna u dheereeyay. Waxaa kaloo la sheegaa in uu nin Muslimiinta kamid ah magan geliyey. Dabeeta Abuu Cubeydah waxuu daba kacay raadka kuwii jabay oo uu wax badan ka laayey, maal badanna ka ritay, siduu u eryanayey ayayna ka dul dhaceen magaallada Kaskar oo uu madax ka ahaa wiil uu dhalay boqorkii hore ee Kisraa abtigiis, kaasoo la oran jiray Narsii. Kadib Narsii waxuu soo saaray reer Furus isagoo ku boorinayo la dagaallanka ciidanka Abuu Cubeydah bin Mascuud, waxaana dhex maray dagaal uu Alle ku jebiyey cadawgii Muslimiinta ee reer Furus, waxayna halkaas Muslimiintii ka qaniimeysteen qaniimo tiro badan, falillaahil Xamdu.

Khumuskii qaniimada iyo hantidii halkaa laga helay ayuu Abuu Cubeydah u diray dhankii amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab.

Kadib waxay isku heleen ciidamadii Muslimiinta iyo kuwii Narsii meel u dhaxayso Kaskar iyo Safaadhiyah, iyadoo ciidamada midigta iyo bidixda ee Narsii ay kala hoggaaminayaan labo nin oo uu dhalay abtigiis oo la kala oran jiray Bandaweyhi bin Nadhaam (ama bin Nasdhaam) iyo walaalkiis Beyraweyhi bin Nadhaam. Rustumna wuxuu diyaariyey ciidan kale oo uu madax uga dhigay nin la oran jiray Jaalinuus, si uu dhanka Narsii ugu soo diro gurmad ahaan. Haddaba markii uu Abuu Cubeydah arrintaa ka war helay ayuu ku deg degay inuu weerar culus ku qaado Narsii ka hor intuusan soo gaarin ciidanka Jaalinuus. Markaasuu weeraray, waxaana dhex maray dagaal culus oo lagu jebiyey ciidankii Narsi, kadibna Abuu Cubeydah iyo Jaalinuus baa waxay isku heleen goob la yiraahdo Baaruusimaa, waxaana ku dhex maray dagaal durtaba lagu jebiyey Jaalinuus iyo ciidamadiisii oo uu weliba la socday Narsii, markaasay orad ku galeen magaalladoodii Madaa’in.

Kadib Abaa Cubeydah bin Mascuud wuxuu diray Muthanna bin Xaarith iyo sirriyaad (wardoonno) kale oo uu dhan waliba u diray. Xoog iyo heshiis ayayna ku kala furteen hareerahooda. Kadib khumuskii qaniimada ayuu Abuu Cubeydah u diray dhankii Madiina iyo amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab.

Kadibna waxaa isla dhulka Furus ka dhacay..

Dhacdadii Jasar

Markii uu Jaalinuus ka dul dhacay boqortooyadoodii ayay Faarisiintii is dhaarsadeen oo ay soo direen ciidan culus oo uu hoggaaminayo Bahmas Jaadaweyhi, waxuuna Rustum usoo dhiibay calanka lagu magacaabo Darfash Kabyaan. Misna waxaa kaloo uu u dhiibay raayad yacni calan kale oo uu lahaa boqorkii hore ee Kisraa kana sameysneed maro xariir ah oo lagu qurxiyey yaaquut iyo murjaan, waxayna ahayd siddeed dhudhun dhererka iyo ballac. Waxay markaa kadib Faarisiintii udhaqaaqeen dhankii Muslimiinta iyo ciidamadii Abaa Cubeydah, waxaana labada qola kala dhex galay webiga Furaat, markaasay Faarisiintii soo cid dirsadeen iyagoo leh:” Inoo soo gudba ama aanu idiin soo gudubna? Markaasay Muslimiintii amiirkoodii ku yiraahdeen:” Amar ha inoosoo gudbaane”. Waxuuse ugu jawaabay:” Nagama jeclo geerida, innaga ayaana u gudbeyna”.

Kadib way u gudbeen, waxayna isku heleen goob ciriiri ah, oo dagaal darani ku dhex maray, kaasoo horey aysan Muslimiinta isagoo kale ugu tashan una arag. Muslimiintu waxay maalintaa ahaayeen kudhawaad 10 000, gaaladuse way ka tira badnaayeen, waxayna wateen reer Furus maroodiyaan tiro badan oo ay ku argagax gelinayeen fardaha Muslimiinta. Mar alliyooy weerar qaadaan fardooleyda Muslimiinta dib bay u soo noqonayeen fardaha oo sina uma galeyn goobta dagaalka iyagoo ka argagaxaya maroodiyaasha ay maalintaa Faarisiinta lasoo dagaal tegeen. Faarisiintii waxay maalintaa Muslimiinta oodda uga qaadeen gamuun oo ay halkaas kaga laayeen tiro badan, markaasuu amiirkii ciidankaasi Muslimiinta ee Abuu Cubeydah amray in marka hore la laayo maroodiyaasha, markaasay laayeen isaga iyo halyeeyadii Muslimiinta, waxaana jirey maroodi weyn oo cad kaasoo hoggaaminayey maroodiyaasha, kii ayaana soo haray markaasuu Abuu Cubeydah dhankiisii u dhaqaaqay si uu maroodiganna u dilo, markaasuu kharduumka seyf ku dhuftay oo xanuunjiyey, markaasuu maroodigii xanuunsaday oo qayliyey, suu Abuu Cubeyda ku istaagay oo dilay, halkaas ayuuna ku shahiiday amiirkii ciidankaas Muslimiinta. Kadib waxaa hoggaankii ciidanka qabtay amiirkii uu horey Abuu Cubeydah ugu dar daarmay inuu qabto haddii isaga la dilo, kadib buu weeraray qaaday jeer isagiina la dilay, misna waxaa qaaday amiir labaad oo Abuu Cubeydah u dardaarmay, kiina waala dilay, mid kale ayaa qaaday isagiina la dil, jeer ay halkaas ku shahiideen 7 amiir oo iskaga kala dambeysay hoggaanka kuwaasoo uu Abuu Cubeydah horey usii magacaabay haddii midi la dilo inuu midka kale hoggaanka qabto. Kadib waxaa qabtay amiirkii siddeedaad ee uu Abuu Cubeydah u dardaarmay, waxuuna ahaa Muthanna bin Xaarith bin Salamata As Sheybaani.

Waxaa la sheegaa in ay Doomah haweeneydii Abuu Cubeydah bin Mascuud ay ku riyootay riyo ah in ay dhacdadu ku noqon doonta mid bar bar dhac ah, markay arrintaas Muslimiintii maqleen bay daciifeen oo itaal darreeyeen, waxayna ku rajo weynayeen markii hore guul furasho iyo inay si ba’an u layaan cadawga, hase ahaatee niyad jabkoodii waxuu dhalay inay in badan oo kamid ah jabaan, in kaloo badanna ay webigii ku hafteen , dar kalena uu cadawgii laayey. Waxaa la sheegaa in maalintaas ay webiga ku hafteen ku dhawaad 4000 oo Muslimiin ah. Fa innaa lillaahi Wa innaa illeyhi Raajicuun.

Waxaa la sheegaa qofkii ugu dambeeyay ee Muslimiinta maalintaa iyada ah laga dila ama ka shahiida inuu ahaa Suliidh bin Qeys bin Camr bin Cubeydullaah bin Maalik bin Cadiyi bin Caamir bin Qanam bin Najaar Al Najjaari. Waxaa abti u ahaa Ascad bin Zaraarah, hooyadiina waxaa la oran jiray Ragheybah bint Zaraarah bin Sacad bin Cubeydullaah.

Dhanka kale Muslimiintu maalintaa waxay iyaguna cadawgu ka dileen tiro badan oo waxay goobtaa dhigeen 6000. Markii uu jabka soo gaaray ciidamadii Muslimiinta bay buundadii isku cidhiidhiyeen, deetana ay jabtay, taasina waa tii dhashay inay in badan webigii ku hafteen. Kadib buu Muthanna daraf kamid ah buundadii istaagay oo cod aad u dheer ku qayliyey isagoo Muslimiintii la hadlayo, waxuuna amray inay tartiibsadaan jeer uu buundadu uga hagaajiyo, kadibana isaga iyo qaar kamid ah halyeeyadii Muslimiinta ayaa buundadii hagaajiyey oo dabeetana si fudud bay ku mareen.

Ciidamadii Muslimiinta intii sugnaatay maahe, kuwii kale waxay u qayb sameen kuwa iyagu jiha ay u socdaan garan waayey iyo kuwa toos u abbaaray dhankii Madiina iyo Amiirkii Mu’miniinta.

Warka dhacdadan waxaa magaallada Madiina geeyay oo ugu horeeyay Cabdullaahi bin Zeyd bin Caasim Al Maaziniyu oo isagu masjidka soo galay goor uu Cumar mimbarka fuushanyahay oo uu dadka u khudbeynayey. Waxuu yiri:” Maxaa ku keenay Cabdullaahi ibnu Zeydoow!!? Waxuu yiri:” Amiirkii Mu’miniintoow! waxaa kuu yimid war dhab ah”. kadibna mimbarkii buu ugu korey oo si hoos ah warkii ugu sheegay.

Waxaa kaloo la yiraahdaa waxuu ahaa ninkii warka magaallada Madiina gaarsiiyey Cabdullaahi bin Yaziid bin Al Xuseyn Al Xadhmiyu, wallaahu Aclam.

Cumar bin Al Khaddaab ma uusan canaanan kuwii iyagu jabay ee ka dul dhacay Madiina, bal ee waxuuba ku qaabilay waji sami iyo soo dhaweyn isagoo yiri:” Waa aniga kan aad xaggiisa soo ciirsateen, Majuustiina Alle arrinkoodii waa ka shuqliyey”. Waxuu ula jeeday Furus oo ku xad gudubtay boqorkoodii Rustum oo misna mar kale soo celsheen oo ku lifaaqeen Al Feyruzaan, iyagiina ay u qabysameen labo qaybood. Kuwii ka jabay Jassar iyagu waxay u baxsadeen dhankii Al Madaa’in, markaasuu Muthanna sii raacdeystay, kadib baa waxaa usoo baxay labo amiir oo kamid ah Faarisiinta iyo ciidan ay siteen, kadibna waa lasoo qafaashay labadoodiiba iyo dad badan oo kamid kuwii ay wateen, dhammaantooduna kurka in laga ayuu Muthanna amray.

Kadib waxuu warqad u diray madaxdii Muslimiinta ee ku sugneed Ciraaq sida Bashiir bin Khassaasiyah iyo kuwa kale si ay gurmad ugu soo diraan, iyagiina way usoo direen, waxaa misna soo gaaray ciidankii uu Cumar bin Khaddaab horey ugu soo diray dhanka Abuu Cubeydah bin Mascuud oo uu hoggaaminayey Jariir bin Cabdullaahi Al Bujali oo ay la socdeen saadaaddii Muslimiinta iyo rag akhyaar ahaa.

halkaa ayuu ciidan aruursi ka waday Muthanna jeer uu markii dambe helay ciidan culus.

Seyf bin Cumar waxuu yiri:” Dhacdadani waxay dhacday bishii Shacbaan, goor laga jooga dagaalkii Yarmuuk 40 casho, sanadkan dhexdiisa, yacni sanadka 13aad ee Hijriga.

Dhacdadii Buweyb

Madaxdii Furus ayaa waxay maqleen ciidan aruursiga Muthanna bin Xaarith markaasay soo direen ciidan uu hoggaaminayo amiir la oran jiray Mahraan, waxayna isku heleen labada ciidan goob la yiraahdo Buweyb una dhaw halka ay maanta tahay magaallada Kuufa, waxaana u dhaxeeyo kaliya webiga Furaat.

Kadib waxay yiraahdeen Faarisiintii:” Ama inoosoo gudba ama aanu idiin soo gudubno? Muslimiintii oo dhegahoodu ay ka guuxayaan waxii ku qabsaday dhacdadii Jassar ayaa waxay ku yiraahdeen:” Mayee idinku inoosoo gudbo”, markaasay soo gudbeen.

Ammintu waxay ahayd bishii Ramadaan ee sanadkan, markaas buu Muthanna amray ciidamadii Muslimiinta inay affuraan si ay ugu ad adkaadaan cadawga. Waxuuna dhisay ciidankiisii oo raayad raayad u xidhay isagoo qolo waliba raayad qaas ah u dhiibay, kadibna inta uu dhex qaaday ayuu koox waliba u dar daarmay oo ku booriyey jihaadka iyo sabar iyo sugnaan iyo inay ku dadaalaan aamusnaanta. Qowmku waxaa ku jiray rag halyeeya ah oo ay kamid ahaayeen Jariir bin Cabdillaahi Al Bujali iyo saadaaddii Muslimiinta. Markaa buu Muthanna ciidankii la hadlay oo ku yiri:” Anigu waxaan takbiirsan doonaa (yacni oron doonaa Allahu Akbar!) saddex goor ee diyaar garooba, marka afraad-na weerarka ku qaada”. Muslimiintiina waxay hadalkii Muthanna ku qaabileen maqal iyo adeecid. Markii uu Muthanna takbiirsaday takbiirtii kowaad bay Faarisiintii weerar culus soo qaadeen, waxaana dhex maray dagaal aad u kulul, markiina uu arkay Muthanna safafkii Muslimiinta oo dabcaya ayuu soo diray nin cod dheer ku qaylinaya oo dadkii ku booriyey jihaadka. Markii ay muddadii dagaalku dheeraatay ayaa isaga Muthanna iyo asxaabtiisii waxay Alle ka baryeen inuu lib iyo guul ka siiyo cadawgooda oo uga gargaaro. Kadib wuxuu Muthanna kaxaystay rag kamid ah halyeeyadii Muslimiinta oo weerar darani ku qaaday dhankii Mahraan oo durkiyey ciidankii midigta ee Furus, waxaana Mahraan dilay wiil kamid ah Carabtii Nasaareyda kana dhashay banii Taqlab, oo faraskiisiina ka furtay. Sidaa waxaa xusay Seyf bin Cumar.

Ibnu Isxaaq waxuu isaguna leeyahay:” Waxuu ahaa ninkii Mahraan dilay Al Mundir bin Xassaan bin Diraar Al Dhabyu, kaasoo waran la riday, kadibna Jariir bin Cabdullaahi Al Bujali baa madaxa ka gooyey, markaasay isku qabsadeen hubkiisii, waxaase markii dambe qaatay Jariir bin Cabdullaahi Al Bujali.

Majuustii waa ay jabeen, markaasay Muslimiintiina firxadkoodii raacdeysteen oo ay laayeen, Muthanna bin Xaarithana wuxuu uga hor maray buundadii si aysan u gudbin oo Muslimiintu u laayaan. Maalintaa iyada ah iyo habeenkeedii ayay Muslimiintu raacdeysanayeen fiigoodii oo waxay helaanba laynayeen. Waxaa la yiraahdaa:” Dhacdadaasi wixii ay dileen Muslimiinta iyo kuwii webiga ku qarqaday isku dar waxay noqdeen 100 000 (boqol kun) Falillaahil Xamdu.. Halkan waxay Muslimiintii ka qaniimeysteen qaniimo aad u tiro badan oo aan la soo koobi karin, kadibna bishaaradii iyo khumuskii qaniimada ayaa waxaa loo diray dhanka amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab.

Dhanka kale Muslimiinta waxaa looga dilay dhacdadaan tiro badan, waxayna dhacdadani ahayd mid loogu gogol xaarayo in laga takhalluso boqortooyadii Furus ee boqollaalka sano dunida ka talineysay. Muslimiintii waxay tamkiiniyeen dhul aad istaraatiiji u ah oo ah nawaaxiga labada webi ee Dajlah iyo Furaat. Dhacdadan Buweyb ee iyadu ka dhacday dhulka Ciraaq waxay u dhigmataa dhacdadii Yarmuuk ee ka dhacday dhulka Shaam.

Furus oo Boqortay Yazdajrid

Boqorkii hore ee Sheyriin ayaa reer Kisraa inta isku soo aruuriyey qol ku xiray dabeetana wada laayey raggoodii oo daayey dumarkoodii. Yazdajrid hooyadiis waxay kamid ahayd dadyowgaasi la soo qab qabtay ee iyagu la doonayey in wiilashooda iyo raggoodu la laayo, waxayna markaa wadatay wiilkeeda Yazdajrid oo markaasi kuray yar ahaa. Kadib bay si hoos ah abtiyaashii ugu yeeratay oo ka dalbatay inay wiilkeeda u qariyaan, iyagiina intay qaadeen bay deegaankooda la aadeen. Markii ay dhaceen wixii dhacay ee aanu soo tilmaannay sida dhacdooyinkii Jassar, Buweyb iyo dhacdooyinkii lamidka ahaa, la dilayna wixii la dilay ee madaxdii Furus kamidka ahaa, iyo in weliba firxadkoodii raacdo lagu hayo oo dhul badan oo istaraatiiji ahina laga qabsaday ayay arrintaasi baaseysteen reer Furus. Waxay garan waayeen halka ay cilidi ka jirto, goor ay sidaa yahiin ayay maqleen in uu Cumar soo diray Sacad bin Abii Waqaas iyo ciidama uu hoggaaminayo. Markaasay madaxdoodii shir u fadhiisteen, waxayna keeneen labadii ugu sarreysay hoggaanka Furus ee kala ahayd Rustum iyo Feyruzaan, kadibna waxay ku dul akhriyeen dar daaran iyo goodis isku dhafan, waxayna ku yiraahdeen:” Haddaydaan u istaagin dagaalladani waanu idin dileynaa labadiinnuba”. Kadib qeyb kamid ah madaxda ayaa waxay keenen ra’yi ah in dumarkii reer Kisraa meel waliba la isaga yeero oo la weydiiyo tii hayso wiil reer Kisraa ah”. Mid waliboo kamid ah dumarkii reer kisraa marka la weydiiyo inay dhashay wiil, way inkireysay iyadoo u baqayso in laga dilo. Sidaasi kama aysan suulin jeer markii dambe ay keeneen Ummu Yazdajrid iyo wiilkeedii Yazdajrid, markaasay wiilkeedii Yazdajrid boqreen isagoo 21 jir ah, waana wiilkii uu dhalay boqorkii hore ee Kisraa (boqor Shahrayaar), waxayna casileen Bowraan bint Kisraa, taasoo iyadu hoggaanka kula heshiisay markii hore Rustum. Reer Furus aad bay ugu farxeen boqridda Yazdajrid waxayna la hor istaageen hiil iyo hoo aan lala dhicin, waxayna madaxdii Furus warqado u dirsadeen goballadii dhulkooda si ay u maqlaan una adeecaan boqorka cusub, iyagiina raynrayn iyo riyaaqid ayay ku qaabileen. In badan oo dadkaasi kamid ah baana ballamahii ay horey Muslimiinta ula galeen ka baxay, iyagoo aaminsan inay awooddii Furus imminka soo laabatay, maadaama reer Kisraa dib loosoo celiyey. Tanina waxay noqotay mid ay ku kedsoomeen sidaynuba arki doonna hadduu Alle idmo.

Muslimiintii goobahaa kusugnayd baa dib loosoo riixay, markaasay iyagiina warqad u dirsadeen dhankii amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab iyagoo ogeysiinayo xaaladda sida ay tahay. waqtigaasi wuxuu ahaa dhammadkii sanadkan yacnii 13-kii Hijriga Bishii Dul Qacdah, markaasoo uu Cumar soo amray inay ku sugnaadaan darfaha dhulka Furus.

Sida dhabta ahi ee ay badi culimaayi Siirah qabaan, waxay tahay inuu Cumar diray Sacad sanadkii 14aad ee hijriyada, sida aynu arki doonno Alle idinkii.

Imminkuna aanu u weecanno dhankaa iyo dhul furashadii Shaam, dhacdooyinkii sanadkan 13aad ee Hijriga.

Furashadii Dimashiq

Markii ay ciidamadii Muslimiinta furteen Yarmuuk, kadib buu Khaalid ku dul akhriyey ciidankii warqaddii ka timid Madiina iyo dhankii Cumar, taasoo caddeyneysay geeridii ku timid khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar iyo in uu khilaafadii qabtay Cumar bin Al Khaddaab iyo in weliba imaaradda Shaam masuul looga dhigay Abuu Cubeydah bin Al-Jarraax, Khaalid-na uu ku xigeyn u noqdo. Haddaba markaas bay dhaqaaqeen Abuu Cubeydah iyo Khaalid iyo ciidamadoodii oo ay Maraj Sufur aadeen iyagoo qorashahoodu ahaa in ay go’doomin ku sameeyaan Dimishiq, Yarmuuk-na waxaa lagu dhaafay fardooley uu hoggaaminayo Busheyr bin Kacab, Goor ay ciidamadii Muslimiinta ku suganyahiin goobta Maraj Sufur ayaa waxaa u yimid khabar ah in uu cadawga gurmad uga yimid dhanka Ximsa iyo in koox tiro badan oo Ruumaan ahna ay iskugu tegeen Fixli oo ka mid ah dhulka Falastiin (goobta Ardul Ghowr). Waxuu markaasi Abuu Cubeydah kala garan waayey tii uu ka billaabi lahaa Dimishiq ama Fixli. Markaas ayuu warqad u diray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, taasoo uu kala tashanayo tii uu ku hor mari lahaa. Haddaba markaa ayaa waxaa timid jawaabtii Cumar oo uu soo amray in ay ka billaabaan Dimishiq, waayo waa xaruntii Ruumaanka iyo gurigii boqortooyadooda, waxuuna amray in uu Fixil u diro koox fardooley ah oo sii mashquuliso waxuuna yiri:” Haddii uu Alle idiin furo Fixli kahor intaan Dimishiq la furan, waa sidaanu jecleyn, haddiise Dimishiq aad hor furataan, uga teg Dimishiq masuul oo adiga iyo ciidankaada ku dhaqaaqa dhanka Fixil. Haddii aad Fixil furataanna adiga iyp Khaalid aada dhanka Ximsa, Camr iyo Shuraxbiilna ku dhaaf Urdun”.

Seyf bin Cumar waxuu leeyahay:” Wuxuu Fixil u diray ciidan uu hoggaaminayo Camaarah bin Makhshiyi, waxuuna ka diray goobta Maraj Sufur, markaasay is heleen koox fardooley ah oo Ruumaan ah oo tiradoodu tahay 80000 ( siddeetan kun), dabeeto way furteen ka hor intaysan Dimishiq furan. Gadaal ayaanse ka xusi doonnaa dhacdadii Fixli iyo ciddii hoggaaminaysay sida ay Mu’arrakheenta qaarkood kayiraahdeen, hadduu Alle idmo.

Kadib Abuu Cubeydah waxuu diray ciidan uu madax uga dhigay Dil-Kulaac, waxuuna u diray inta u dhaxayso Dimishiq iyo Ximsa, si aysan wax gurmad ah u soo gaarin reer Dimishiq, misna waxuu diray ciidan kale oo uu u diray Falastiin iyo Dimishiq dhexdooda si ay iyana wax gurmad ah usoo gaarin reer Dimishiq. Dabadeedna waxuu ka dhaqaaqay Maraj As- Sufur isagoo kusii jeedo dhanka Dimishiq si uu go’doomin adag ugu qabto, waxuuna dhisay ciidankiisii isagoo dhaxda madax uga dhigay Khaalid bin Waliid, Camar ibnul Caasna labada dhinac mid kamid ah ayuu u dhiibay. Ciidanka Farooleyda waxuu madax uga dhigay Cayaad bin Qanam Al Fihri, kuwa lugtana waxuu u dhiibay Shuraxbiil ibnu Xasana isaguna Abaa Cubeydah waxuu hoggaaminayey labada dhinac mid kamid ah. Kadib way dhaqaaqeen, oo dul degeen Dimishiq oo go’doomin daran ay kuqabteen, waxaana markaa Dimishiq madax ka ahaa boqor la oran jiray Nasdhaas bin Nasdhuus. Ciidankii Khaalid waxay degeen dhanka bariga albaabka Keysaan, Abuu Cubeydana waxuu degay dhanka albaabka Jaabiyatul-Kabiir, Yaziid bin Abii Sufyaan iyo ciidan uu hoggaaminayeyna waxay degeen dhanka albaabka Jaabiyatus-Saqiir, Camr ibnu Al Caas iyo Shuraxbiil-na waxay degeen albaabadii kalee magaallada. Waxay Maalintaa ciidamada Muslimiinta xireen manjaniiq oo ay rideen dabaabaat, waxayna go’doomiyeen go’doomin tii u darneyd, waxaana lasheegaa inay go’doomintaasi ku hayeen muddo 70 casho, waxaa kaloo la yiri muddo 4 bilood, mise 6 bilood ama waxaa kaloo la yiri 14 bilood, wallaahu aclam.

Reer Dimishiq way diideen inay soo baxaan, waxayna u gurmad dirsadeen boqorkoodii Hiriqal, si uu ugu soo gar gaaro ciidamo gurmad ah, hase ahaatee ciidamadii gurmadka ahaa ee uu soo diray ma aysan soo gaarin, oo waxay soo dhaafi waayeen kuwii uu Abuu Cubeydah dhexda dhigay ee Dil Kulaac. Markii ay reer Dimishiq yaqiinsadeen inuusan gurmad soo gaari karin, bay xaaladdu aad ugu darraatay, oo ay daciifeen, Muslimiintiina go’doomintii bay sii adkeeyeen, waxana la galay waqtigii Jiilaalka oo qabow darani yimid, xaaladdiina ay Muslimiintii ku adkaatay, markaasuu Illaahay qadaray in wiil loo dhalo boqorkii magaalada, markaasuu xaflad heer sara ah sameeyay oo khamri la wada cabbay, markaasay wada daateen dadkii iyagoo wada sakraansan oo ay wada seexdeen.

Amiirka ciidamadii fadhiyey albaabka Keysaan ee Khaalid bin Al Waliid wuxuu ahaa mid aanan seexan oo aan la seexinin, waxuu ahaa halyeey habeennada dagaalka soo jeedo. Waxuu dareemay daganaashaha caawo ka muuqda dhanka cadawga iyo shanqadh la aanta xaggooda, markaasuu damcay inuu war jeefo, hase ahaatee waxaa u dhaxeeyay gidaar aad u weyn iyo god meesha ka qodnaa oo biyo ah. Khaalid waxuu soo kaxaystay qaar kamid ah sanaadiidii iyo halyeeyadii ciidanka oo ay kamid ahaayeen Al qacqaac bin Camr iyo Al Macduur bin Cadiyi iyo qeyrkooda, waxayna soo dhex jibaaxeen toggii oo ay dabaal kusoo gudbeen, markiina ay soo gaareen gidaarkii, ayaa waxay tuurteen xargo oo ay ku qabsadeen biro meesha gidaarka ku yaallay, markaasay ku koreen jeer ay dhinaca kale uga degeen. Markaasay laayeen waardiyaashii goobtaa joogay iyo wixii meesha ka dhawaa oo dad ah, dabeetana albaabkii bay fureen, markaasay ku dhawaaqeen takbiir (Allaahu akbar) dabeetana waxaa yimid ciidankii Khaalid ee albaabka Keysaan fadhiyey markii ay soo galeen bay laayeen, wixii ay arkaanba oo magaaladi dhan dhex qaadeen.

Dadkii magaallada markay maqleen takbiirtii Muslimiinta ayay iyagoon waxba garaneynin u kala ordeen albaabadii, koox kastoo albaabkii Keysaan xaggiisa u oradaana ma aysan sii noolaan, oo waxaa la dilay dil kii u darnaa, waxaana ka shaqeeyay ciidamadii Khaalid bin Waliid, kuwii kalena ee dadkaasi meeshaa deganaa waxay u carareen dhankii albaabadii kale, markaasay Abuu Cubeyda iyo amaraa’di kale ka fureen oo ay heshiis ka dalbadeen, markaasay magaalladii heshiis kusoo galeen. Waxayna bartama magaallada ku kulmeen Khaalid oo dhankiisa xoog kusoo furtay, markaasay ku yiraahdeen:” Raggu waanu la heshiinnay”. Markaasuu isagiina yiri:” Aniguna xoog ayaan kusoo furtay oo wax heshiis ahna ma ina dhex marin”. Halkii ayuuna kur goyntii cadawga kasii waday.

Abuu Cubeydah ayaa la hadlay Khaalid oo u tilmaamay inuu dagaalka joojiyo maadama uu la heshiiyey dadka, Khaalidna waa uu maqlay oo adeecay. Madaxdii ciidamada Muslimiinta waxay ku kulmeen meel ay ku taallay kaniisad la oran jiray Al Maqsilaadh.

Magaallada Dimishiq culimadu way isku khilaafaan, ma heshiis baa lagu furtay ama xoog? Waxaysa badankoodu ku kulmiyaan in Dimishiq lagu furtay bar heshiis, barka kalena xoog, waana sida ay badi qabaan culimada taariikhda wax ka qorta. Waxaa lagu xukmiyaa in barka Khaalid bin Waliid lagu furtay xoog, barka kalee madaxdii kalena lagu furtay heshiis. Haddaba sidaa iyada ahi magaallada waxaa ku yaallay 15 kaniisadood, oo ay ugu weyneed kaniisad la oran jiray Yuuxannah, labo qaybood ayaana loo qeybiyey Kaniisaddaasi Yuuxannah oo bar kamid ah waxaa laga dhigay masjid, barka kalena kaniisadnimadeedii ayay ku baaqi noqotay. Sidii kaniisadda loo kala qaybiyey ayaana magaalladii loogu xukmay in barkeeda lagu furtay heshiis barka kalena xoog iyo seyf.

U Diriddii Khaalid ee Dhanka Al Buqaac

Kadib baa Abuu Cubeydah waxuu Al Buqaac u diray Khaalid, markaasuu seyf ku furtay. misna waxay goobta Ceynu Meysuun isku heleen ciidamo Ruumaan ah oo uu hoggaaminayo nin la oran jiray Sinaan oo waxaana dhex maray dagaal, halkaanna waxaa Muslimiinta uga shahiiday jamaaco badan, sidaa baana meeshaa mardambe loogu baxshay Caynush-Shuhadaa. Kadibana waa ay jabeen cadawgii Ruumaanka.

Waxuu Khaalid halkaa kula heshiiyey reer Baclabak..

Kadib Abuu Cubeydah waxuu magaalladii Dimashiq uga tegay Yaziid bin Abii Sufyaan, kaasoo isagu markii hore ku wajahnaa jihadeeda. Yaziid-na waxuu diray sirriyad ama wardoon uu hoggaaminayo Dixyah bin Khaliifah Al Kalbi oo uu u diray dhanka Tadammur si uu arrinkeeda dhan ugu tuuro, waxuu kaloo misna diray Abuu Zahraa Al Qusheyriyu oo uu udiray dhanka Bathaniyah iyo Xowraan, waxuuna ku furtay heshiis. Qaryooyinkii ku teedsanaa Dimishiq oo idil waxaa badi lagu furtay heshiis, gacanta Yaziid bin Abuu Sufyaan.

Khaliifah bin Khayaad wuxuu ka soo weriyey Cabdullaahi ibnu Muqiirah oo isaguna aabahiis kasoo weriyey inuu yiri:” Dhulka Urdun Shuraxbiil baa xoog ku furtay marka laga reebo Dabariyah oo uu ehelkeedii kula heshiiyey”.

Ibnu Isxaaq waxuu xusay in Baclabak iyo Ximsa la furtay sanadkii 14aad ee Hijriga bishii Dulqacda, laguna furtay gacanta Abuu Cubeydah bin Jarraax heshiis ahaan.

Dhacdadii Fixli

Culimo badan oo kamid ah Culamaayi Siirah waxay xuseen in Fixil la furtay ka hor Dimishiq sidaynu soo tilmaannay, waxaase qabo inay Fixil ka dambeysay Furushadii Dimishiq Al imaam Abuu jacfar Ibnu Jariir Ad Dhabari, sidaana waxaa ku raacay Seyf bin Cumar Al Tamiimi sida ku sugan siyaaqadiisa oo ay kasoo weriyeen Abii Cuthmaan Yaziid bin Useyd Al Ghasaani.

Waxay soo min guuriyeen in markii la furtay Dimishiq lagu dhaafay Yaziid bin Abii Sufyaan, ciidankii kalena ay aadeen dhanka Fixil, waxaana ciidankan Fixil u baxay hoggaaminayey Shuraxbiil bin Xasana, ciidanka hore waxaa madax looga dhigay oo hoggaaminayey Khaalid bin Waliid, kuwa midigtana waxaa hoggaaminayey Abuu Cubeydah bin Al Jarraax, dhanka bidixdana waxaa loo dhiibay Camr bin Al Caas, fardooleyduna Diraar bin Al Azwar (waxaa kaloo la sheegaa inuu Diraar kushahiiday dagaalladi aynu soo xusnay midkood). Ciidamada lugta waxaa hoggaaminayey Cayaad bin Qanam Al Fihri, guud ahaan ciidankaas oo idilna waxaa madax u ahaa Shuraxbiil bin Xasanah. Way dhaqaaqeen ciidamadan, waxayna abbaareen dhanka Fixli.

Markii ay Muslimiintii gaareen goobtaasi Fixli ee Ardul Qowr ayay Ruumaankii waxay isugu tegeen Beysaan, dabeetana waxay soo deeyeen biyahii dhulkaas oo iyagii iyo Muslimiintii kala dhex galay dhulkiina ka dhigay dhul dhiiqo badan oo cagtu qaban karin (waxaaba la sheegaa in sababtaasi darteed dhulkaas loogu baxshay Ardul Qowr, magacaasoo dhulkaasi markii dambe loogu yeeri jiray). Sidaynu soo xusnay guud ahaan ciidamada Muslimiinta waxaa madax u ahaa Shuraxbiil bin Xasana, gaalada Ruumaankuna waxaa hoggaaminayey Saqlaab bin Makhraaq, markaa bay Muslimiintii degeen, waxay dhowraanna waa sidii ay arrini ku dambeyn lahayd oo Rabbi ayay talo saarteen. Amiirkii ciidamadaasi Muslimiintuna waxuu ahaa mid digtooni xad dhaaf ah qabay oo xitaa hurdadiisu ay yareeyd, sidaa si lamid ahina ciidamadii Muslimiintoo dhami iyaguna xadrigoodu taam buu ahaa. Haddaba goor habeen ah bay Ruumaankii u maleeyeen inay Muslimiintu wada hurdaan, waxayna damceen inay soo dooxateeyaan oo wada laayaan, hase ahaatee waxay Muslimiintii u wada boodeen mar qura sidii boodidda uu mar kaliya boodo nin. waxaana dhex maray dagaal aad u kulul oo ilaa subaxii socday, misna subaxaas illaa uu gabalkii ka dhacay ayuu sii socday, markiina uu dhulkii madoobaaday gudcurkii habeennaad dartii bay Ruumaankii jabeen oo amiirkoodii Saqlaabna laga dilay. Muslimiintiina firxadkoodii bay sii eryadeen oo sii laynayeen jeer ay ka dul dhaceen biyahii ay markii hore iyagu soo daayeen, oo ay in badan oo kamidi ku harqadeen, darkaloo badan oo lagu qayaasay 80 000 ( Siddeetan kunna ) Muslimiintii baa laysay, Waxaa kaloo la sheegaa markii horeba inay tiradoodu ahayd 80 000, waxaana yaraa intii ka bad baadday, halkaasina waxay Muslimiintii ka heleen qaniimo fara badan iyo maal cusul.

Abaa Cubeydah iyo Khaalid iyo intii la socotay baa markaa waxay u boqaalleen dhankii Ximsa siduuba amiirkii Mu’miniinta horey usoo amray, waxuuna Abuu Cubeydah Urdun masuul uga dhigay Shuraxbiil ibnu Xasana oo uu la socda Camr bin Al Caas. Kadib waxay go’doomin ku qabteen Beysaan jeer ay markii dambe dadkii deganaa u soo baxeen, waxaana dhex maray dagaal aad u weyn oo durtaba ay markii dambe heshiis dalbadeen, markaasuu kula heshiiyey mid lamida heshiiskii reer Dimishiq. Sidaa si lamid ahina Abul Acwar Al Sulami ayaa reer Dhabariyah kula heshiiyey.

SANADKII 14AAD

Bilashadii sanadkani howlihii sidii hore waa ay ka fududaadeen, waxaanna soo qaadan doonnaa waxyaabahihii dhacay inagoo marba qaadaa dhigi doonno dagaalladii kasocday labada dhinac (Furus iyo Ruum).

Si ay markaasi inoogu fududaato inaanu fahamno qaabkii dhacdooyinka, anagoo marka mid qaadan doonno ayaa waxaan hadda ku hor mari doonnaa dagaalladii iyo dhacdooyinkii ka socday dhanka Furus oo sanadkii hore inoogu joogay ”BOQRIDDII YAZDAJRID”.

Billowgii sanadkan ayay ahayd markii uu amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab uu dadka ka dhex istaagay isagoo ku boorinayo jihaadka iyo dagaallada ka soconaya dhulka Ciraaq. Taasina waxay ahayd ka gadaal markii laga soo guddoomay muwaasimtii xajka ee sanadkii 13aad iyo kadib markuu maqlay wixii ciidamadii Muslimiinta kusoo gaaray dagaalkii Jassar iyo dilkii amiirkii ciidamadaas ee Abuu Cubeydah bin Mascuud Illaahay ha u naxariistee, iyo in waliba madaxdii Ciraaq badidoodii laga soo saaray goobahii ay horey u qabsadeen, in badan oo kamid ah dadkii jizyada dhiibayay ee horey Muslimiinta heshiiska ula galayna ay ballamahii ka baxeen, iyagoo ku kadsoomay boqorkii cusubaa ee ay Furus caleema saaratay, sidii isagoo usoo celin doono saldanadoodii iyo awooddoodii hore, oo uu hor istaagi karo huganka iyo guuxa Islaamka iyo ehelkiisa.

Waasidaase waxay markaasi madaxdii Muslimiinta ee dhulkaasi ku sugneeyd warqad u dirsadeen dhanka amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab sidaynuba soo xusnay, taasoo ay ku ogeysiinayeen xaalladu sida ay tahay iyo in dhulal badan laga soo saaray, waxayna ka dalbadeen inuu gurmad culus u soo diro. Sababihii dhaliyey inuu Cumar horaantii sanadkan dadka ku booriyo jihaadka dhulka Ciraaq ayaa waxay ahaayeen kuwaas aanu soo xusnay. Markaa iyada ah buuna la dhaqaaqay ciidan culus oo uu isla isagu naf ahaantiisu hoggaaminayo. Ammintu waxay ahayd maalintii kowaad ee bishii Muxarram ee isla sanadkan, waxuu magaalladii Madiina kala dhaqaaqay ciidan culus oo uu isagu hoggaanka u hayo, magaaladii Madiinana waxuu ku dhaafay Cali bin Abii Dhaalib, waxuuna la dhaqaaqay ciidankiisii jeer uu gaaray goob la yiraahdo Suraar oo ah meel biyo leh, halkaas ayuuna dejiyey ciidamadiisii. Waxaa la socday ciidankaas halyeeyadii iyo culimadii saxaabada oo ay kamid ahaayeen Cuthmaan bin Cafaan, Sacad bin Abii Waqaas, C/Raxmaan bin Cowf iyo kuwa kale. Cumar waxuu amray in la addimo salaadda oo jamaaco lagu tukado, kadib buuna dadkii ogeysiiyey shir loo wada dhan yahay oo uu kala tashanayo inuu baxo iyo in kale, magaalladii Madiinana waa uu u cid diray si Cali loogu yeero oo uu showrada uga qayb qaato. Markii uu Cali yimid showradiina la billaabay badi saxaabadii waxay ku taliyeen in la baxo oo amiirka Mu’miniintuna uu ciidanka hoggaamiyo, raggii ra’yigaasi sida weyn ugu dhegnaa waxaa kamid ahaa Cuthmaan ibnu Cafaan iyo qaar kamid ah odayaashii saxaabada, hase ahaatee C/Raxmaan bin Cowf baa isagu taa caksigeeda la yimid, waxuuna isagu ra’yi ahaan qabay in amiirka Mu’miniinta uusan bixin oo uu booskiisa cid kale diro, waxuuna yiri:” Anigu waxaan arkaa (amiirkii Mu’miniintoow!) haddii lagu jebiyo, iney jab ku tahay oo ay taasi daciifin doonta Muslimiinta dunida oo idil, haddaba dir booskaada nin kale oo adigana iskaga laabo magaallada Madiina”. Cumar bin Khaddaab ra’yigaas buu qaatay, markaa bay dadkii lideen ra’yigii C/Raxmaan bin Cowf oo ku tilmaameen mid sahiifnimo ah.

Waxuu yiri Cumar (isagoo ibnu Cowf la hadlayo):” Oo yaay kula tahay inaan dhulka Ciraaq u dirno?

Waxuu yiri:” Waad heshay?

Waxuu yiri:” Oo waayo?

Waxuu yiri:” Asad fii Baraathinih Sacad bin Maalik (Sacad bin Abii Waqaas).

Kadib waxuu Cumar qaatay ra’yigii iyo fikirkii C/Raxmaan bin Cowf, ciidamadiina waxuu u dhiibay Sacad bin Abii Waqaas oo uu u dardaarmay. Waxaa kamid ahaa dardaarankiisii :

Sacad ibnu Uheyboow!! (Uheyb bin Cabdimanaaf waa awoowga Sacad bin Abii Waqaas iyo adeerka Aamina bint Wahab bin Cabdimanaaf- Nebiga SCW hooyadiis) yaysan ku kedin in lagu yiraahdo waa abtigii Rasuulka SCW iyo saaxiibkiis, Illaahayna xumo kuma tir tiro xumo kale, ee waxuu ku tir tiraa xumuhu wanaagga, Majirto qof isago iyo Alle Sarreeye uu ka dhaxeeyo wax xiriir ah, oo aan ka ahayd mid ku sugan daacadda Alle, dadka kooda shariifka iyo kooda daciifka ahba daatada Alle waa ay u siman yahiin, Allaah waa Rabbigooda, iyaguna waa addoomadiisa. Amarka eeg Sacadoow! kii aad ka aragtay Rasuulkii Alle SCW tan markii lasoo diray jeer uu naga faaruqay, oo laasim markaa amarku waa isagee, tani waa waanadeydii aan kuu dardaarmayey oo haddii aad ka weecato oo ka dacal dhacdo, markaa waxaa burayo camalkaadii oo waxaadna noqoneysaa mid khasaaray”.

Markii uu damcay Sacad inuu dhaqaaqo ayuu misna Cumar yiri :” Sacadoow! waxaad u tegi doontaa arrin kulul (dagaal ) ee ku sabir oo hakugu kulanto cabsida Allaah. Ogoow cabsida Allaah waxay kulmisatay laba arrimood (oo kala ah) ku sugnaashaha daacaddiisa iyo ka fogaanshaha macsidiisa. Daacaddiisu waa in loo carooda yacni la naco adduunyada oo la jeclaado aakhiro. Caasinnimaduna waa in la jeclaado adduunyada oo loo carooda aakhiro, yacni la naco.

Sacad wuu dhaqaaqay waxuuna abbaaray dhankii Ciraaq isagoo ay la socdaan duulkiisii, markiina uu gaaray goobta Nahru Zaruud oo uu ku dhawyahay inuu la kulmo Al Muthanna bin Xaaritha oo midiba midka kale uu u xiisho qabo, buu Muthanna geeriyooday, waxuuna u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dagaalkii Jassar ee uu ku geeriyooday Abuu Cubeydah bin Mascuud Al Thaqafi.

Waxuu Muthanna ciidamadii Ciraaq usii dardaarmay inuu masuul u noqda Bashiir bin Khasaasiyah. Markii ay Sacad gaadhay geerida Muthanna buu u raxmad dalbay oo u duceeyay, waxuuna guursaday haweeneydiisii uu ka tegay oo la oran jiray Salmaa.

Sacad markii uu tegay Ciraaq amiir kastoo kamid ah amiiradii ciidamada Muslimiinta ee dhulkaasi ku sugneyd waxay wada hoos yimaadeen xukunkii Sacad oo geyigaas Ciraaq oo idil isaga ayaa amiir ka noqday, siduuba Abaa Cubeydah bin Al Jarraax oo isaguna tobankii jannada loogu bishaareyay kamid ahaaba uu masuul uga ahaa Shaam oo idil. Intaa Dabadeed waxuu Cumar sacad u soo diray ciidamada gurmad ah, waxuuna markii dambe la kulmay ciidamadii Furus maalintii Qaadisiyah isagoo amiir u ah 30 000 ama 36 000 dagaalyahanno ah.

Cumar waxuu yiri:” Illaah baan ku dhaartaye waxaan isku dhufan doonaa boqorrada Cajamta (Furus) iyo boqorrada Carabta”. Kadibna waxuu Cumar soo amray Sacad qaabkii uu sacad u dhisi lahaa ciidanka weerari lahaa Faarisiinta, waxuuna amray in qabiilo waliba oo kamid ah ciidamada Muslimiinta laga xulo rag aqoon dheer u leh tolkooda oo markaas koox waliba la hubiyo tabtooda, kadibna la aado Qaadisiyah.

Sacad sidii buu yeelay waxuuna dhisay ciidamadiisii isagoo ku dhisay amarka amiirkii Mu’miniinta midig, bidax gaadada dambe, ciidamada lugta iyo kuwa fardooleyda iyo kowa horeba. Waxuu Cumar usoo doortay qaadinnimada ciidankaas Cabduraxmaan bin Rabiicah Al Baahili oo loo yaqiinnay Dun-Nuun, isaga ayaana loosoo xil saaray qaybinta qaniimada iyo fayga. Daaciga ciidanka iyo kii wacdinayey mar walibana waxaa loo xilsaaray Salmaan Al Faarisi. Qoridda ciidanka iyo qaniimooyinkana waxaa loo xilsaaray Ziyaad bin Abii Sufyaan.

Ciidankan waxaa ku jiray 300 iyo dhowr iyo toban saxaabi, 70 iyo dhowr kamid ahi waxay ahaayeen asxaabtii ka qayb gashay dagaalkii Bader, waxaa kaloona la socday 700 oo kamid ah dhashii saxaabada.

Kadib Cumar waxuu soo amray inuu Sacad ku dhaqaaqo Qaadisiya, waxuuna amray inuu qaado jidka oo wixii uu helaana uusan u gaban oo aysan cabsi gelin tira badni kastoo ay cadawgu ku suganyahiin. Misna waxuu usoo diray warqad kaloo uu ugu dardaarmayo ciidamada Muslimiinta iyo amiirkooda Sacad, waxuuna u tilmaamay inuu sabro sabar baliiq ah oo uu Alle hiil iyo gargaarba weydiisto iyo in uu badiyo qowlka laa xowla walaa quwati illaa Bil-laah. iyo in uu mar waliba warqad usoo diro isagoo ka codsaday inay warqaddaasi noqota mid u hadleyso sida isagoo ( Cumar ) uuba u jeedo ama ay muuqdaan ciidamada dhulka Ciraaq, waxuu Cumar ka codsaday Sacad inuu u sifeeyo halka ay Muslimiintu marayaan iyo halka ay dagayaan intuba oo maalin waliba iisoo dir warqad ayuu yiri. Markaa buu Sacad u diray amiirkii Mu’miniinta warqad uu uga warramayo halka ay kusuganyahiin isaga iyo ciidamadiisii iyo in ay is heli doonaan Rustum arrinkuna uu Alle ogaal badan yahay sida uu xaal ku dambeyn.

Cumar ibnu Al Khaddaab markay u tegtay warqaddii Sacad ee ka warrameysay xaaladdii Muslimiinta ayuu u duceeyay ciidanka si guud, gaar ahaanna Sacad buu u duceynayey har iyo habeenba isagoo Alle uga baryayey inuu nasri iyo guul ka siiyo cadawga. Sacad horey buu u socday isagoo ku jira dalabka Qaadisiya, markiina uu marayey meesha la yiraahdo Al Cudeyb baa Muslimiintii waxaa ku soo baxay jamac Faarisiin ah oo uu hoggaaminayo Sheyrizaad bin Ardaaweyh, halkaas bayna Muslimiintii ku jibiyeen cadawgii Majuusta oo ay ka qaniimeysteen qaniimo badan, kadibna qaniimadii buu Sacad intuu qeybiyey ayuu khumuskiina u diray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar ibnu Al Khaddaab. Muslimiintii aad bay ugu farxeen guushaas ay gaareen, waxayna u noqotay rayn rayn iyo farxad iyo niyad dhis.

Kadib waxuu diray siriyad yacni wardoon uu madax uga dhigay Qaalib bin Cabdullaahi Al-Leythi.

Dagaalkii Qaadisiyah

Kadib Sacad wuu dhaqaaqay waxuuna degay Qaadisiyah oo uu diray siriyaad iyo wardoonna, waxuuna halkaas ku sugnaa bil uusanna cidi la kulmin kamid ah Faarisiinta, markaa buu Sacad warqad u diray amiirkii Mu’miniinta Cumar bin Khaddaab taasoo uu ku ogeysiinayo xaaladda. Reer miyigii iyo ari raacyadii Furus dhulkoodii bay u yaabeen markay arkeen wardoonnadan galab iyo subax dul heebaabayo deegaannadii ay xoolahooda ku raacan jireen, markaa bay u tegeen boqorkii Yazdajrid oo ay ku yiraahdeen:” Haddaydaan naga kaafinin kuwan (Muslimiinta) oo aydan inooga fillaanin waxaan u dhiibeynaa waxa gacmahayaga ku jiroo idil, qalcadahana waan ugacan gelineynaa”.

Kadib Faarisiintii shir bay u fadhiisteen, waxayna isku raaceen in la diro Rustum iyo ciidan uu hoggaaminayo, markaa buu boqorkii Yazdajrid u cid diray Rustum si uu ugu yimaado, markiina uu u yimid waxuu amray inuu ciidanka hoggaamiyo oo Muslimiinta uu ka hor tego hase ahaatee Rustum waa uu ka cududaartay arrintaas mana ahayn ra’yigiisa ra’yi dagaal waxuuna yiri :” Arrinkaan aad waddaan maaha ra’yi dagaal, in Carabta ciidama la iskaga daba diraayi waxaa uga adag in hal mar loo diro ciidan culus oo mar qura jebiyo”. Boqor Yazdajrid wuu diiday waxaan ka ahayn ra’yigiisii ahaa in uu ciidankaasi hoggaamiyo Rustum, markaa buu Rustum isku diyaariyey bixid iyo inuu aado dhankii Muslimiinta. Sacadna waxuu diray wardoonno uu u diray magaallada Xiirah, wardoonnadii waxay usoo tebiyeen in boqorkii Furus ee Yazdajrid uu amray ciidan culus si ay hal mar u jebiyaan Muslimiinta iyo inuu weliba ciidankaas madax uga dhigay Rustum bin Farakhzaad Al Armani oo uu misna u diyaariyey ciidama kale oo gurmad ah. Markaa buu Sacad warqad u diray amiirkii mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab uu ku ogeysiinayo arrintaas, markaa buu Cumarna soo diray warqad kale oo uu leeyahay:” Yaaysan ku kurbo iyo cabsi gelin waxa kaaga imanayo xaggooda (cadawga) ee Alle kaalmo weydiiso oo isaga talo saaro, una dir xaggiisa (Rustum) nin (ciidamada Muslimiinta kamid) ah oo indheer garad ah oo ra’yi u saaxiib ah, si uu xagga Alle ugu yeero, Alle baana yeelaya yeeriddiina aad u yeereysaan mid itaal darri ku riddo (iyaga Furus) oo dufeyso, maalin walibana iisoo qor warqad”.

Rustum wuu soo dhawaaday waxuuna ciidankiisii dejiyey goob la yiraahdo Saabaadh, markaa buu Sacad warqad u diray amiirkii mu’miniinta Cumar bin Khaddaab uu ku leeyahay:” Rustum waxuu soo degay Saabaadh isagoo la yimid fardo iyo maroodiyaal uu nagu gilgilayo, waxbase xaggayaga oo aan u aragno majirto, aan ka ahayn inaan jeclaaday inaan mar waliba kula socdsiiyo xaaladda”.

Rustum waxuu dhisay ciidamadiisii isagoo ciidankiisa hore oo 40 000 ah madax uga dhigay Jaalinuus, ciidanka midigtana waxuu madax uga dhigay Hurmuzaan, ciidanka bidixdana Mihraan bin Bahraan waxayna ahaayeen 60 000, ciidanka dambena waxuu madax uga dhigay Bandaraan waxayna ahaayeen 20 000. Seyf bin Cumar waxuu leeyahay:” Ciidamadiisoo idilba waxay ahaayeen 80 000.

Werin kalena waxaa kusugan inuu Rustum la yimid maalintaa 120 000 ciidan ah oo ay raacsanaayeen 80 000 gurmad ah (waa sida ay culimada mu’arrakhiintu badidoodu rajaxeen) oo uu sitay 33 maroodiyaal ah, waxaa kamid ahaa maroodiyaashaasi mid cad oo uu lahaa Saabuur, waxuu ahaa maroodigii ugu weynaa maroodiyaasha oo hor kacayey ama hoggaaminayey.

Kadib Sacad waxuu diray jamaaco kamid ah saadaaddii Muslimiinta oo ay kamid ahaayeen: An Nucmaan bin Muqarrin , Furaat bin Xayaan, Xandhalah bin Rabiic At Tamiimi, Cudhaarid bin Xaajib, Al Ashcat bin Qeys Al Kindi, Muqiirah bin Shucbah Ath Thaqafi, iyo Camr bin Macdiyakrib Az Zubeydi. Raggani waxay ahaayeen rag karmeedyadii ciidankaa Muslimiinta, waxaa loo diray si ay Rustum ugu yeeraan xagga Allaah Sarreeyo iyo Islaamka.

Markay utageen Rustum baa waxuu ku yiri:” Oo maxaa idin keenay? Waxay yiraahdeen:” Waxaanu u nimmid ballantii uu Allaah inooga kiin qaaday ee ah qaadashada dhulkiinna, iyo inaan qafaallano dumarkiina iyo carruurtiinaba oo aan weliba qaadanno maalkiina, arrintaasina innagu si dhab ah baanu u hubnaa”. markaas ka hor buuna Rustum riyo arkay , taasoo ahayd : Malag Samada kasoo degay oo aruurshay hubkii Furus oo u wada dhiibay Muxammed ( SCW ) oo Muxammadna uu ku wareejiyey Cumar bin Khadaab.

Sida uu xusay Seyf bin Cumar, Rustum wuu ka warwareegayay inuu la kulma Sacad bin Abuu Waqaas iyo Ciidanka muslimiinta , waxayna noqotay markii uu Rustum kasoo baxay caasimadiisii Al Madaa’in illaa iyo intii ay isku heleen muslimiinta goobta Qaadisiya muddo afar bilood ah.

intaasna wuu diidanaa dagaal uu la galo muslimiinta, habeen walibana intii muddadaas lagu jiray, marna wuu u goodin muslimiinta, marna wuu sasabi oo waxuu lahaa wax baan idin siin waan idin arrad tiri, midkiin walibaana daraahiim ( lacag ) baan siini sanadka markii la gaarana intaas in la mid inoogu imaada , iyo eraya kaloo lamid ah isagoo raba inay ka laabtaan dhulka Furus.

Markii ciidanka isku soo dhawaaday ayuu Sacad diray nin kamid ah ciidamada fardooleyda ee muslimiinta si uu akhbaar uga keeno nimanka majuusta ah , waxuuna ahaa ninkaas uu diray Dhuleyxa bin Khuweylid Al Asdi, kaasoo ahaa ninkii Nebinimada sheegtay hadana toobad keenay oo wanaagsanaaday. Waxuuna Dhuleyxa raad weyn ku lahaa furashooyinkii Dhulalka Furus. Dhuleyxa waxuu soo qabtay nin kamid ah majuusta oo uu u keenay Sacad ninkii markuu arkay geesinimada Dhuleyxa iyo ciidankii uu kasoo dhex qabtay intuu dhamaa, ayuu islaamay markii dambe .

waxuu ninkaas markii su’aal la weydiiyaba ku mashquulsanaa oo uu ka sheekeynayay geesinimadii Dhuleyxa bin Khuweylid iyo tirada ciidanka uu kasoo dhex qabtay intuu la ekaa. Markaasuu Sacad ku yiri:” War inaga daa taase inooga warran Rustum a, markaasuu yiri:” Waxuu sitaa 120 000 in lamid ah oo gurmadna waa u diyaar,

Intaas kadib ayuu Rustum soo cid dirsaday isagoo ku leh Sacad: ii soo dir nin caqli leh oo wax yaqaan, si uu ula naqaasho yacni uu la dooda, markaa bay ahayd markuu Sacad u diray Muqiirah bin Shucbah. Markii uu Muqiirah u tegay, ayaa waxuu Rustum guda galay inuu yiraahdo:” Waxaad tahiin deriskayaga waana idin wanaajin jirnay oo wax xumaan ah idima soo gaarsiin jirin ee haddaba ku laabto dhulkiinnii, una diidi mahayno tijaaradiinna inay dhulka yaga timaaddo. Waxuu Muqiirah ugu jawaabay:” Ma nihin inagu kuwa raadinayo adduun, kaliya hammiga nagu iyo dalabkeennu waa aakhiro, Illaah baa waxuu inoo soo diray Rasuul uu ku yiri: Waxaan kooxdan (Muslimiinta ahi) ku salliday cid kastoon diinteydan diin ka dhiganin, iyaga ayaana uga cad goosanaya, guul ayaanna dushooda yeeli doonaa intay kusugan yahiin (Muslimiinta) diintan. Waa diinta xaqa ah oo aysan jirin cid ka leexato illaa Alle wuu dulleeyaa, ciddii qabsataana Alle wuu cizeeya”.

Markaa buu Rustum yiri:” Oo maxay tahay diintu?

Waxuu Muqiirah yiri:” Amaa tiirka aysan ka ansaxmeyn la’ aantiisu waa qiridda inuusan jirin Alle la caabbudo oo aan ka ahayn Alle kaliya, Muxammedna ( SCW ) uu yahay Rasuulkii Alle SCW, iyo in lagu qanco waxii uu xag Alle kala yimid”. Waxuu yiri Rustum:” Oo maxaa ka wanaag badan? Oo maxaa kaloo xiga hadana? Waxuu yiri:” Iyo in laga saaro is addoonsiga ay addoomadu is addoonsadaan oo addoonnimadu ay u ahaato Alle oo kaliya ( macnaha isaga oo kali addooma loo noqda oo la caabbudo ) ”. Waxuu yiri:” Oo tanna waa wax wanaagsan, maxaa xigga haddana? Waxuu yiri:” Dadku waa ilmo Aadam iyo Xawaa, waana walaalo dhanka aabaha iyo hooyaduba”. Waxuu yiri:” Tanna waa mid wanaagsan”.

Kadib waxuu Rustum yiri:” Bal ka warrama haddii aan diintiina soo galno maka laabaneysaan dhulkayaga? Waxuu Muqiirah yiri:” Haa Wallaahi, una iman mayno wax aan ganacsi ama dan kale ka ahayn dhulkiinna”. Waxuu yiri Rustum:” Tanina waa mid wanaagsan”.

Markii uu Muqiirah tegay buu Rustum uga sheekeeyay dadkii madaxda tolkiisa wanaagga Islaamka uu leeyahay iyo waxii dood isaga iyo Muqiirah dhex martay, hase ahaatee waxay ku qaabileen diidmo daran inay qaataan Islaamka. Kadib Rustum waxuu dalbaday in nin kale loosoo dira

Markaa buu Sacad waxuu soo diray nin kale si uu ula soo dooda Rustum, waxuuna ahaa ninkaasi halyeygii weynaa ee Ribciy bin Caamir bin Khaalid bin Camr oo kamid ahaa halyeeyadii Muslimiinta. ( Cumar bin Khaddaab baa gurmad ahaan ugu soo diray Muthanna bin Xaarith markuu dhulka Ciraaq masuulka ka ahaa ).

Goobtii uu Rustum fadhiisan jirey waxa lagu qurxiyey xariir, diibaaj, iyo murjaan iyo waxyaaba kaloo lamid ah, isagiina waxay u dhigeen sariir dahab ah oo ay ku qurxiyeen wiqyado iyo noocya badan oo kamid ah alaabaha quruxda, Rustumna waxuu ku fadhiistay sariirtii dahabka si uu u qaabilo waftiga kaga imanayo dhanka Muslimiinta. Ribciyi waxuu ku lebbisan yahay dhar suuf ah oo aan qurxaneyn, waa dharkii reer Xijaas lagu yaqiinnay, waxuu kaloo wataa seyf iyo waran iyo faraskiisa oo kaliya ( faras gaaban ). kamuunan suulin inuu faraskiisa saarnaa jeer uu yimid daraf kamid ah gogashii weyneed ee jidkiisa loogu goglay, ula jeedaduna waxay ahayd in Muslimiinta la indho sarcaadiyo markay dhaldhalaalkaas arkaan oo inta wax yar la siiyo ay sidaa dhulkoodii ugu laabtaan, maxaase dhacay? Ribciyi wuu ka degay faraskii oo waxyaabahii la goglay mid kamid ah ayuuba faraskiisii ku xirtay, kadibna hubkiisii ( warankii iyo seeftii ) buu lasoo galay isagoo ku jeex jeexayo katiifadihii xariirta ee ay wareen reer Furus. Faarisiintii baa ka dalbatay inuu dhigo hubka, waxuuse ugu jawaabay:” Anigu idiinma iman oo idinma soo raadsanin ee waxaan imid markaad ii yeerateen, haddaba igu daayo sideydaan ( anigoo hubkeyga sita ) ama aan iska laabto”. Rustum baa markaa yiri:” Daayo ha ii yimaadee”. Markaa buu soo galay isagoo warankii ku mud mudayo xariirtii la goglay, illaa uu kasoo gaaray golahii uu Rustum fadhiyey.

Rustum baa hadalkii billaabay oo waxuu yiri:” Maxaa idin keenay ? Waxuu Ribciyi ku jawaabay:” Waxaan u nimid inaan ka saarno ciddii doonta is addoonsiga ay addoomadu is addoonsanayaan oo aan addoonnimada u saarno Alle xaggiisa, iyo inaan ciriiriga dunida ka saarno oo aan u saarno ballarkeeda, iyo inaan ka saarno diimanka farada badan oo aan u saarno cadaaladda Islaamka, Ruuxii taa naga yeelo waan ka yeeleynaa oo waanna ka laabaneynaa, ruuxiise diida waanu la dagaallameynaa jeer ay ka fusho ballantii Alle naga qaaday? Waxuu yiri Rustum:” Oo waa maxay ballanta Alle? Waxuu yiri:” Waa inuu galayo Janno ruuxii ku dhinta dagaalka lala galay kuwa diiday diinta Islaamka ee ka hor yimid, iyo guul kuwii haray”. Waxuu yiri Rustum:” Runtii hadalkiinnu waan dhageystay ee dib manoogu dhigeysaan arrinkaan jeer aan eegno xaalku oo aad idinkuna eegtaan? Waxuu yiri Ribciy:” Haah! immisa ayaad dooneysaa (inaan dib kuugu dhigo si aad uga soo fiirsataan) maalin ama labo maalin? Waxuu yiri:” Mayee!! illaa aan u cid dirsanno dadkayagii ra’yiga u saaxiibka ahaa iyo madaxdii tolkayaga”. Waxuu yiri Ribciyi:” Nooma jideynin Rasuulkii Alle SCW inaan u sugno cadawgayaga kadib markaan la kulunno wax ka badan saddex casho, ee fiiri arrinkaaga iyo arrinka qowmkaaga, oo kala dooro mid kamid ah saddexdii (Jizyo, Islaannimada ama dagaal) markay kuu dhammaado muddada (saddexda casho ah)”. Waxuu yiri Rustum:” Oo ma seydkoodii (Muslimiinta) baad tahay? Waxuu yiri:” Maya, laakiin Muslimiintu waa sida jir qura kooda ugu hooseeya ayaana magan gelin kara kooda ugu sarreeyo”. Rustum hareeradiisa waxaa markaa isugu yimid madaxdii reer Furus ee lasocotay, markaasuu ku yiri:” Oo waligiin ma aragteen qof ka hadal qurxoon oo ka cizi iyo sharaf badan ninkan (Ribciyi) ? Waxay ku yiraahdeen:” Alleynu ka magan galnay inaad u iilato waxa kan aad u jeeddo oo aad diintaada uga tegto, oo ma waadan arkeynin dharka uu sito? Markaasuu Rustum yiri:” Hoog idinku dhacyee ha eegina dharkiisa ee fiiriyo ra’yigiisa, hadalkiisa iyo hab dhaqankiisa, sideeduna Carabtu maba daneeyaan dhar iyo cunto toona”.

Maalintii labaad ayuu Rustum soo cid dirsaday si nin kale loogu soo diro, markaa buu Sacad u diray Xudeyfah bin Muxsin oo sidii Ribciyi oo kale ula soo hadlay. Maalintii saddexaadna waxaa loo diray Muqiirah bin Shucbah oo siduu ula hadlayey ku xeel dheeraaday hadalka waqti dheer bayna wada hadlayeen oo ay wada doodayeen, waxaana kamid ahaa hadalladii dhex maray sidan:

Rustum ayaa Muqiirah ku yiri:” Miithaalka loosoo qaadan kara soo gallida aad dhulkayaga soo gasheen waa sida duqsi arkay malab oo yiri: Yaa i gaarsiiya malabkaas oo markaa heli doono 2 Dirham? Markii uu ku dhex dhacay oo uu ku maanshoobay ayuu damcay inuu ka baxo, markaasuu awoodi waayey oo misna yiri: Yaa iga saaro oo heli doona 4 Dirham? Sidoo kale miithaalkiinnu waa sida dawaco itaal daran oo ku jirta god ku yaal beer, markii uu arkay ninkii beerta lahaa itaal darrideeda buu u naxariistay oo iskaga tegay. Markii ay cayishay bay wax badan ka fasaadisay (xoolo iyo beerta iwm bay ka cuntay) Markaa buu la yimid ciidankiisii oo soo kaxaystay wiilashiisii si uu uga saaro, hase yeeshee way awoodi waysay cayil dartii markaa buu dilay, haddaba sidaa oo kale ayaad uga bixi doontaan dhulkayaga”. Kadibna caro darteed buu Rustum la sii jeestay oo cadceeddii intuu ku dhaartay buu yiri:” Berritoole baanu idin layn doonnaa”.

Waxuu Muqiirah yiri:” Waad ogaan doontaa”.

Markaasuu Rustum yiri:” Waxaan amray in la idin arrat tiro oo dhar la idiin siiyo, amiirkiinuna sidoo kale ayaan amray iyo in lasiiyo 1000 Diinnaar iyo dhar iyo gaadiid, ee innaga noqdo”. Markaasuu Muqiirah yiri:” Oo ma kadib markii aan itaal darreysiinnay boqortooyadiinnii baa oo aan weliba daciifinnay awooddiinnii? Muddo ayaanu joogi doonnaa dhulkiinna oo aan idinka qaadi doonnaa jizyo idinkoo dulleysan, waxaadna inoo noqon doontaan addooomo”. Markaa buu misna Rustum markale caro darteen la sii jeestay.

Taa ka hor intuusan dagaalku dhicin waxuu Sacad diray rag kamid ah ciidankii Muslimiinta, kuwaasoo uu u diray dhanka boqorkii Furus boqor Yazdajrid si ay xagga Alle iyo diinta Islaamka ugu yeeraan. Markay u tegeen boqorkii bay ka idin dalbadeen inay u galaan, markaasuu isagiina u idmay inay soo galaan. Boqorku waxuu ahaa mid aan akhlaaq suubban lahayn, edabtiisu aad bay yareed, tiiyooy udheereed dhallinyarannimo. Waxuu wax ka weydiiyey dharkooda kan ee ay sitaan magaciisa, kabahooda iwm ee ay siteen. Kol Alliyooy uga jawaabaan buu ku jees jeesayey oo uu wax ka sheegayey. Dadkii Madaa’in deganaa waa ay soo baxeen si ay u eegaan dadka ay boqortooyadii Furus ka fadhin weyday. Waxay arkeen rag dhar suuf ah kulebbisan iyo kabo aan indhuhu soo jiidaneyn, waxay arkeen diifta ka muuqata misna waxay eegeen waxay gaadiid ahaan u siteen oo fardo iyo awr weyti ah, waxayna is weydiinayeen su’aalo dhowr ah oo ay kamid tahay:” Sidey dadka sidan uyaal ay dhulka Furus ula wareegeen oo ay boqortooyadeenna dusheedda u soo degeen?

Markii dambe boqor Yazdajrid waxuu su’aalay raggii:” Maxaa halkan idin keenay? Ma waxaad u maleyseen markii aan dhexdayada isku mashquulnay inaad naga faa’ideysan kartaan? Nucmaan bin Muqarrin baa u jawaabay oo hadalka si fiican u dhigay, waxaana kamid ahaa kalmadahiisii sidan: ” Alle baa inoo naxariistay oo inoo soo diray Rasuul na tusiyo wanaagga oo na amaro inaan falno, oo na baro sharta (iyo asbaabteeda) nagana reebay, waxuuna nalagu ballamay ajiibidda kheyrku inuu yahay wanaag adduun iyo mid aakhiro”.

Kadib markuu ka sheekeeyey Nucmaan marxaladihii ay diinta Islaamka soo martay iyo halka ay cizi iyo sharaf maanta ka joogto, ayuu u bandhigay boqorkii inuu soo galo diinta Islaamka ama jizyo ama dagaal, waxuu ku yiri:” Waxuu Rasuulkayaga SCW na amray inaan ka billawno umadaha noosoo xiga oo aan ugu yeerno inay nala soo saftaan. Annagu waxaan idinkugu yeereynaa diintayada, waana diinta Islaamka, waxay wanaajisaa kii wanaagsan (oo ay wanaag iyo sharaf u siyaadisaa), waxayna dulleysaa midkastoo dulli ah. Haddii aad diiddaan, arrin tan ugu sharbadan oo ka fudud tan ugu dambeeyso (dagaalka) ee ugu sharta badan waa jizyo, haddii aad diiddaanna waa dagaal. Haddii aad yeeshaan diintayada, waxaan idiin reebeynaa kitaabka Allaah oo aan idiinku qumineynaa inaad isku xukuntaad axkaamtiisa, idinka howlahiinna iyo dhulkiinnuba waanu idinka laabaneynaa. Haddii aad na siisaan jizyo, waanu idinka guddoomeynaa waana idin illaalineynaa, haddiisa aad diiddaan waa dagaal”.

Waxuu yiri boqorkii:” Yazdajrid ha idin laayo.. Waxaanan garaneynin dhul ay umadi ku sugantahay oo ka xun kana daran weji xumi oo weliba ka tiro yar idinka. Waxaanu idiin wakiilan jirnay qaryooyinka Dawaxiga (Carabtii tabaca u ahayd) oo iyaga ayaa inooga kiin filnaa, mana aydan damaacin jirin inaad kusoo duushaan dhulka Furus”. Waxuu kula hadlay erayo kul kulul, markaa bay raggii wada aamuseen. Muqiirah bin Shucbah baa istaagay oo hadlay, waxuuna yiri:” Boqoryahoow! kuwa kani waa madaxdii Carabta iyo kuwii hor kacayey, waa ashraaf wayna ka xishoodaan dadka ashraafta ah, kuwa sharafta leh ayunbaana sharfo kuwa kalee sharafta leh, xaquuqda kuwa sharafta lehna waxaa yaqaan oo kaliya kuwa iyagu sharafta leh. Ammaa xaaladda xun ee aad nagu sheegtay, maba jirin cid naga xaalad xumeed, ammaa gaajadayaduna waxaanba cuni jirnay (waxyaaba aan cunno ahayn bahallada, caleemaha dhirta iwm) waxaanna u arki jirnay inay tahay cunto, ammaa deegaankayaguna waa uun iska dhulka guudkiisa, dharkayaguna waxuu ahaa waxa aan ka sameysanno dhogorta geela iyo ariga. Diintayadu waxay ahayd inuu barkayo barka kale laayo oo darkeen darka kale ku xadgudbo, waxaaba dhici jirtay inuu midkayo gabadhiisu noolasha ku aaso isagoo nacayo inay raashiinkiisa wax ka cunto. Xaalkayagu waxuu ahaa kahor sida aan maantadan ku sugannahay sida aan kuu sheegay, markaa buu Alle inoo soo diray nin macruuf ah oo aan garaneyno nasabkiisa, wajigiisa iyo dhalashadiisa, dhulkiisu waa kan ugu kheyr badan dhulkayaga, xasabkiisu waa kan ugu kheyr badan axsaabtayada, aqalkiisuna waa kan ugu kheyr badan aqallayada, tolkiisu waa kan ugu kheyr badan tolkayaga, isaguna naf ahaan waa kaayaga inoogu kheyr badan. Waxuu inoogu yeeray arrinka (diinta) markaasay cidina ajiibin. Qofkii ugu horreeyay ee raaco waxuu ahaa khaliifadii isaga ka dambeeyey (Abuu Bakar). Waxaanu niri been baad sheegtay, suu yiri run baad sheegtay, saan wax ka naaqusinnay markaasuu isaguna u siyaadiyey. Markaa buu Alle markii dambe quluubtayada ku tuuray rumeynta iyo raaciddiisa, markaa buu dhex qaaday annaga iyo Rabbiga uunka dhexdeenna, wax waliboo uu nagu yiraahdo, waa qowlka Allaah, amarkastoo uu na amrana waa amarka Allaah. Waxuu inagu yiri (Nebigu SCW):” Rabbigiin waxuu idin leeyahay: Anigu waxaan ahay keli, mana jiraan wax la ila wadaajiyo, waxaan jiray goor aysan waxbo jirin, shey kastaana wuu hallaagsami doonaa marka laga reebo wejigeyga. Aniga ayaa abuuray shey walibo, oo xaggeyga ayay u ahaan doonaa wax walibo, raxmaddeydu way idin haleeshay, waxaana idiin soo diray ninka kan (Muxammed SCW) si uu idiin tusiyo jidkii aan idinkaga badbaadin lahaa geeri dabadeed cadaabteyda oo aan idinkugu xalaaleeyo daarteyda Daarus- Salaam.

Haddaba waxaanu qireynaa inuu (Muxammed SCW) la yimid xaq uuna kala yimid xaq agtiis, waxuuna yiri:” Ruuxii idinku raaco arrinkan (diinta Islaamka) waxuu leeyahay waxii aad idinku leedihiin, waxaana dushiisa ahaaday waxa dushiina ah, kiise diida u bandhigo jizyo , (hadduu yeelana) ka ilaaliyo waxa aad nafahiina ka ilaalisaan, hadday diidaan la dagaallama waa aniga kan dhexdiina xakamka ka ah ee kala xukmin, kiinnii idinka mid ah ee la dilo waxaan gelin doonaa Jannadeyda, kiinnii haraana waxaan ka yeeli doonaa ciribtiisa guul”.

Waxuu yiri Muqiirah isagoo boqorka dhankiisa markaa hadalka u tuurayo:” Haddaba dooro jizyo adigoo dulleysan, ama haddii aad doonto seef ama Islaam oo bad baadi naftaada?

Waxuu yiri Yazdajrid:” War ma waxaan oo kale baad iila imanaysaa? Waxuu yiri Muqiirah:” Ma ahan wax aan ula tegay qof aan ila hadlin, haddii uu qof kale oo aan adiga ahayn ila hadli lahaana waan ula tegi lahaa”. Markaa buu Yazdajrid yiri:” Haddaysan dembi ahaan lahayn in ergada la dilo, waan idin layn lahaa, wax agteyda idiin yaalla majirto”.

Waxuu markaa Yazdajrid la hadlay dadkiisii oo uu ka codsaday inay u keenaan juuni weyn si uu carro ugu buuxiyo oo uu qoorta u saaro shariifka kuwan (muslimiinta ah).

Markii loo keenay carradii buu yiri:” Waa kuma shariifkiinna? Markaa bay qowmkii wada aamuseen. Caasim bin Camr baa markaa yiri isagoo doonayo inuu qowmka furto oo uu isagu carrada qaado:” Waa aniga shariifkooda, aniga ayaa ah ugaaska kuwan ee ii saari carrada”. Waxuu yiri Yazdajrid:” Oo masidaa baa? Waxay yiraahdeen:” Haah!.

Markaa buu Yazdajrid dusha u saariyey dabeetana uu amray inuu la dhaqaaqo. Caasim raggiisii kale waalaga hor diray oo intuu carradii qaaday buu la socday isagoo dhex qaadaya deyrarkii Madaa’in jeer uu u tegay rakuubkiisii markaa buuna dul saartay oo uu dhaqaaqay.

Asxaabtiisii kale iyana way soo dhaqaaqeen, Caasim ayaana kaga hor maray amiirka ciidanka. Markii uu Caasim marayey meesha la yiraahdo Baabu Qudeys oo ah dacal kamid ah Qaadisiyah buu yiri:” Ugu bishaareeyo amiirka lib iyo guul, waanu ka guuleysan doonnaa Inshaa-Allaah”. Kadib wuu sii socday waxuuna galay qolkiisii oo uu carradii dhigtay, markaasuu soo laabtay oo uu utegay Sacad oo uu arrintii uga warramay.

Saxaabadu aad bay ugu farxeen arrintaas waxayna u fasirteen inay tahay qaadashada dhulka Furus oo dhan, maalinba maalinta ka dambeysaana sharaf iyo kor ahaansho iyo cissi ayaa u sii siyaadaysay, halka Majuustu dulli iyo dib udhac iyo dar xumo hor leh iyo wahni iyo dhaciifnimo ay la kulmayeen.

Rustum waa uu dhaqaaqay waxuuna aaday boqorkii si uu usoo weydiiyo waxii uu kala kulmay Muslimiinta iyo weliba ra’yigoodii, markaa buu Yazdajridna si cad ugu bayaaniyey xadrigii jawaabahoodii iyo hadalladoodii faseexadda iyo caqligoodii saafiga ahaa. Waxuu misna u sheegay inay aaminsanyahiin guul goor iyo goob welibo. Guud ahaan Yazdajrid waxuu Rustum u dul maray waxii isaga iyo raggii Muslimiinta ee ergada ahaa dhex maray oo hadal iyo dood ahaa, waxuuna xusay falkiisii doqonnimada ahaa ee uu carrada madaxa u saaray Caasim bin Camr, taasoo uu isagu u arkayey inuu wax haggaajiyey hase ahaatee ku noqotay: maxaa iigeeyey? Rustum markii uu dhageystay hadalkii Yazdajrid iyo carradii uu Caasim madaxa u saariyey buu yiri:” Ninku (Caasim) ma uusan ahayn axmaq mana ahayd shariifkooda, waxuu doonayey oo kaliya inuu qowmkiisa furto oo uu isagu carradu qaado, hase ahaatee Illaah baan ku dhaartaye waxay la tegeen furayaashii dhulkayaga”. Rustum waxuu ahaa Munjim yacni mid xiddigaha wax ka sheego sidaynu soo xusnayba. Markaa buu diray nin kamid ah Majuusta si uu uga daba tego haddii uu gaarana uu kasoo celiyo carrada haddii uu gaari waayo oo carradu ay utegto amiirka ciidanka Muslimiinta ee Sacad bin Abii Waqaas taa waxay lamid tahay buu yiri inay dhulkayaga nooga adkaadeen. Ninkii wuu daba galay isagoo doonayo inuu carradu soo celiyo hase ahaatee waa goorma? Waa goor ay carradii u tegtay Sacad bin Abii Waqaas Muslimiintiina ay ku farxeen, Faarisiintiina aad bay uga xumaadeen arrintaas oo waxay caroodeen caro kulul, ra’yigii boqorkuna waxay ku tilmaameen mid iska waalan.

Aanu u weecanno dagaalkii iyo siduu ku billawday.

Dhacdadan Qaadisiyah waxay ahayd dhacdo tii ugu weyneyd ee ka dhacdo dhulka Ciraaq, waxayna ahayd mid aad iyo aad u cajiib badan. Markiina ay labadii qolo is wajaheen, waxay ahayd goor uu Sacad xanuunsanaa oo ay ku dhacday xanuun la yiraahdo Carqun-Nassaa, waxuuna awoodi waayey fuulidda gaadiidka (rakuubka ama faraska), markaa baa loo dhisay qasri oo loo goglay labada dhinacna loo geliyey barkimo si uu halkaa kala socda dagaalka. Dagaal gelinta ciidanka waxuu u xilsaaray Khaalid bin Curfudhah, ciidanka midigta waxuu madax uga dhigay Jariir bin C/llaahi Al Bujali, ciidanka bidixdana waxuu u dhiibay Qeys bin Makshuux. Qeys bin Makshuux, Muqiirah bin Shucbah, Al qacqaac bin Camr iyo Haashim bin Cutbah iyo rag kaloo halyeeyo ah waxay ahaayeen raggii ku yimid gurmadka ee uu soo diray Abuu Cubeydah bin Al Jarraax kadib markuu dhacay dagaalkii Yarmuuk. Ciidanka Muslimiintu waxaa lagu sheegaa inay ahaayeen 30 000 ama 32 000 ama 36 000, sidaa si aan ahayna waala sheegaa, calanka ciidanka waxaa dalbaday inuu qaado Cabdullaahi bin Ummu Maktuum, kadib markii laga fursan wayey ayaa loo dhiibay. Sacad dadkii buu tujiyey salaaddii duhur oo uu waaniyey oo ku booriyey (dagaalka) waxuuna akhriyey qowlka Alle Sarreeye:” Dhab ahaan baanu ugu qornay Zabuur kadib sheegid (horey loogu sheegay looxul maxfuudka) in dhulku ay dhaxli doonaan addoomayda suubban”. Suuratul Ambiyaa, aayadda 105aad. Raggii qurraada ahaa ee ciidanka la socdayna waxay akhrinayeen aayadahii jihaadka. Kadib Sacad wuu takbiirsaday 4 jeer , takbiirtii afraad kadib bay ahayd markii ay weerarka kulul qaadeen ciidamadii Muslimiinta, markaana waxaa dhex maray dagaal kulul oo soconayey illaa habeenkii, meydka labada dhinacna waxuu ahaa mid aad u batay. markaa bay kala hoydeen, subixii dambana way isku soo jarmaadeen oo dagaalkii ayaa weji cusub ku bilawday sidii lamid ah buuna usocday meytida labada dhinacna waxay ahayd sidii hore oo kale, markii ay subixii saddexaad isku soo jarmaadeen buu dagaalkii halkiisii kasii socday weji kii hore lamid ah buuna ku socday jeer gabbalkii dhacay markaa bayna kala hoydeen, habeenkaasina waxuu ahaa habeenkii loogu magac daray Leylatu Al Hariir. Markii la waabariistay subaxii afraad, waxay ahayd markii ugu darneyd ee uu sida kulul u dhacay dagaalka. Majuustu waxay maalintaas lasoo dagaal tegeen maroodiyaal sidaynu soo xusnay ay ku argagax gelinayeen fardaha Muslimiinta, oo mar waliba laf dhuun gashay bay ku ahaayeen, waana taas tii u diidday weerarro badan oo ay ku qaadeen fardooleydii Muslimiinta si ay si munaasib ah u dhex galaan ciidanka Faarisiinta. Qaar kamid ah halyeeyadii Muslimiinta baa markaa laysay maroodiyaashii iyo waxii saarnaaba iyagoo markii hore indhaha gamuunno uga riday. Rag kamid ah Jamaacadii Muslimiinta baa maalintaas dhigay wacdaro aad loola yaabay, waxaana raggaasi kamid ahaa Dhuleyxah bin Khuweylid, Al qacqaac bin Camr, Camr bin Macdiyakrib, Jariir bin C/llaahi Al Bujali, Diraar bin Al Khaddaab iyo Khaalid bin Carfudhah iyo qeyrkood. Markii la gaaray bartamahii maalintan afraad (waa maalinta loo yaqaan Yowmu Qaadisiyah) oo ahayd maalin Isniin ah bishii Muxarram ee sanadkan yacni 14kii Hijriyada sida uu xusay Iimam Seyf bin Cumar baa waxaa kacday dabayl qaadday teendhooyinkii Furus oo tuurtay sariirtii Rustum, markaa buu Rustum cararay oo uu fuulay bakhashiisii dabeetana jaanta rogtay Muslimiintii baa inta ka daba tegay dishay, waxaa dilay Rustum nin kamid ah Muslimiinta oo la oran jiray Hilaal bin Calqamah, waran buu intuu ku tuuray lugta kala helay, markaasuu utegay oo uu madaxa ka gooyey. Waxaa kaloo la sheegaa markuu dhawaacu soo gaaray buu dalbaday in loogu yeero nin halyeeyada Muslimiinta kamid ah si uu u dilo intuu nin ciidanka kamid ah dili lahaa, waxuuna taas u fisirtay inay isagu sharaf utahay, markaa baa loogu yeeray Al qacqaac bin Camr oo kurka ka jaray. Jaalinuus isaguu wuu cararay oo firxadkii buu dhexda ka galay. Jabkii kuwii cararay bay Muslimiintu raacdeysanayeen oo ay laynayeen jeer ay cadawgii degeen meel oo ay cabbeen khamri markaa bay seexdeen kadib markay sakraameen. Muslimiintii baa goor aysan ka filaneynin soo kadiyeen oo wada laayeen, Jaalinuusna waala dilay waxaana dilay Zuhrah bin Xawiyah At Tamiimi. Markay jabeen oo ay Muslimiintii ka daba tegeen , waxay ka laayeen 30 000, macrikada dhexdeedana waxay uga laayeen 10 000, maalmahii ka horeyeyna intaas in kudhaw bay ka laayeen. Dhanka Muslimiintuna waxaa ka shahiiday maalintaas iyo maalmahii ka horreeyayba 2500 Raximahumul-Laah.

Taa ka hor dagaalka intuu socday waa qolka Sacad kula jiray nin maxbuus ahaa oo Muslimiinta kamid ah, ninkaasi waxuu ahaa Abuu Mixjan At-Thaqafi (Camr ama Maalik bin Xabiib bin Cumeyr bin Cowf) oo markaa khamri cabbay, markaa baa la xabbisay laguna xiray qasrigii Sacad, markaa ka horna 7 jeer baa laga oofiyey xadka cabbida khamriga. Abuu Mixjan waxuu kamid ahaa raggii caanka ahaa ee kamidka ahaa geesiyaashii Muslimiinta.

Markii uu dagaalku kululaaday baa waxuu Abuu Mijxan arkay fardooleydii cadawga oo ku gaaf wareegayo halka qasrigii uu ku sugnaa amiirkii ciidanka ee Sacad bin Abii Waqaas, markaa buu is ciil baday Abaa Mijxan bal haddii uusan xirnaan lahyn fiicnaan lahaydaa. Halkaas waxuu ka tiriyey tixgabay uu ku tilmaamayo halka uu reerkiisii iyo hantidiisii uga soo tegay isagoo jecel inuu jidka Alle ku jihaado iyo weliba isagoo muujinayo inay murug ugu filantahay maanta isagoo arkayo fardahii cadawga oo gaaf wareegayo qasrigii amiirka ciidamada Muslimiinta iyo isagii oo taa oo idil ka xiran oo aanan waxba ka awoodi karin.

Waxuu Abuu Mixjan la hadlay Zubraa oo ahayd Ummu walad u joogtay Sacad bin Abii Waqaas, waxuu ka dalbaday in ay sii deyso oo ay xarigga ka furto oo ayna u keento faraskii Sacad si uu ugu dagaal galo, waa haddii uu gelinka dambe isagoo bed qabo kasoo laabtee waxuu ballan kula galay oo uu ugu dhaartay inuu halkiisa kusoo laaban doono oo markaa ay xiri doonto. Zubraa way deysay markaa buu faraskii fuulay oo uu dagaallamay dagaal daran, Sacadna wuxuu arkayey faraskiisa iyo nin dul saaran, waxuu ninka dul saarani ula muuqanayay inuu yahay Abuu Mixjan Al Thaqafi, haddana waxaa taas ka shaki tireysay inuu qasriga ku xirnaa oo uu maxbuus ahaa.

Goortaa iyada ah ee uu dagaalku kululi dhacayey bay haweeneydii Sacad Salmaa bint Khasfa tii uu horey kaga geeriyooday Muthanna bin Xaaritha ay aragtay fardahii cadawga oo qasriga kusoo dhawaaday Sacadna uu markaa xanuunsanaa oo uusan dagaalku kujirin. Markaa bay Salmaa afka furay kadib markay aragtay qaar kamid ah fardooleydii Muslimiintu oo cararay oo ay ku dhawaaqday:” Waa Muthanniyaaah!! Muthanna beelay maantuye!”. Sacad bin Abii Waqaas baa markaa inta ka carooday dharbaaxo wejiga ku dhuftay, Salma bint Khasfa waxay runtii dhibsatay Sacad oo qasriga fadhiyo oo aan dagaalku ku jirin xilli Muslimiinta ay dhowr goor sibibaxdeen, waxay Muthanna ugu barooratay in ay maseyr geliso Sacad oo uu markaa kaco oo uu dagaalku galo, waxayna xasuusineysay geesinnimadii Muthanna iyo inuusan ahayn nin u seexan jirey cadawga, hase ahaate dar kale Sacad waxuu ahaa geesi aan gorada laalaadinin, oo ganidda gamuunka tab heer sare ah u yaqiinay, sidaa si lamid ahina waxuuba lahaa cududdaar oo waa usuuroobi weyday inuu dagaallamo, hase ahaatee goobjoog buu ahaa dagaalka xaaladdiisa oo idilna wuu lasocday, waxaana u diiday inuu ka qaybqaato xanuunkii markaa hayey oo uu la fuuli waayey faraska ama gaadiidka.

Markii uu Abuu Mixjan kasoo laabtay dagaalka gelinka dambe buu halkiisii kusoo laabtay oo ballantii oofiyey, markaa bay haweeneydii Sacadna halkii ku xirtay. Markii uu dagaalku dhammaaday baa Sacad loo sheegay arrintii Abaa Mixjan markaa buu isagiina iska sii daayey oo wuu cafiyey. Wuxuuna u ballan qaaday inuu mar dambe jeedali doonin. Asaguna Abuu Muxjin wuxuu ballan ku galay inuusan dib dambe u cabbin khamri.

Sacad bin Abii Waqaas ciidankii ayuu usoo baxay kadib markuu dagaalka dhammaaday oo u cududdaartay iyana way u cududdaareen.

Muslimiintii waxay Qaadisiyah ka qaniimeysteen maal tiro badan iyo hub aan lasoo koobi karin kadib markay ka guuleysteen cadawgoodii, waxuu ahaa maal aysan horey mid lamid ah u helin ciidamadii Muslimiinta ee geyigaas ku sungaa ama guud ahaan kuwii xitaa dhanka Shaam joogay. Kadib markii qaniimadii laga saaray khumuskii buu Sacad u qeybiyey Muslimiinta, khumuskiina u diray dhankii amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab.

Halkaas bay ku jabeen cadawgii Islaamka ee majuustii Furus, waana halkii lagu boqno gooyey boqortooyadiidii boqolleyda ahayd oo muddo dunida ka talin jirtay. Waxaa guuleystay xisbigii Raxmaanka iyo ciidamaddii Allaah.

Waa goor warka Qaadisiyah Muslimiintu meel kasta oy joogaanba ay dhowrayaan, Cumar bin Al Khaddaab laftiisu waqti harsiimo ah oo hanfi kulul dhacaya buu maalmahaas caadeystay inuu khabarka Qaadisiyah doon doono oo uu waddada Ciraaq afka saari jirey bal si uu ula kulmo qof ka yimid dhanka Ciraaq oo uu wax ka weydiiyo Qaadisiyah. Goor uu Cumar waddada Ciraaq hayo isagoo doon doonayo warka Qaadisiyah baa waxuu arkay qof meel fog kasoo muuqanayo, markaa buu ka hor tegay oo wax ka weydiiyey. Ninkii waxuu u sheegay in Qaadisiya la furtay oo ay Muslimiintii ku guuleysteen ayna ka qaniimeysteen maal iyo hub tiro badan, oo Majuustiina ay ku jabeen. Cumar bin Khaddaab ninkii buu la sheekeysanayey iyadoo ninku uu saarnaa daabaddiisa (awrka ama faraska uu sitay) halka Cumarna uu lugeynayey. Markii magaalladii Madiina ay soo galeen baa ninkii waxuu arkay dadkii oo Cumar kala hadlayo arrimahii dowladda arrimahii bulshada, markaa buu ninku gartay qofka uu lasocday inuu yahay amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, markaa buu ku yiri:” Oo maxaad iigu sheegi weyday amiirkii Mu’miniintow!! inaad tahayd Cumar? Waxuu Cumar yiri:” Wax dhiba malaha walaalkayow”.

Sacad bin Abii Waqaas waxuu warqad u diray dhankii Madiina iyo amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, waxayna warqaddaasi caddeyneysay guushii Muslimiinta iyo tiradii ka shahiiday iyo weliba inta cadawga laga laayey. Waxuu Sacad warqaddaasi u dhiibay Cumeylah Al Fazaariyu. Cumar bin Al Khaddaab warqaddii guusha iyo bishaarada buu ka dul akhriyey mimbarka dushiisa, waxuuna saxaabadii u sheegay dadkii caanka ahaa ee kaga shahiiday Qaadisiyah oo uu u horeeyay Sacad bin Cubeyd Al Qaari. Khumuskii qaniimadana waxuu gaaray magaalladii Madiina.

Dhacdooyin Kale

Sanadkan dhexdiisa buu Cumar ku kulmiyey dadkii reer Madiina in la tukado salaadda Taraawixda bisha Ramadaan, isagoo amray inuu dadka tujiyo Ubay bin Kacab, waxayna ahayd markaa bishii Ramadaan ee sanadkan, goballadiina warqado ayuu u diray isagoo amrayo in la oogo salaadda Taraawiixda bisha Ramadaan laguna tukado jamaaco.

Isla sanadkan buu diray Cumar bin Khaddaab Cutbah bin Qazwaan isagoo masuul uga dhigayo magaallada Basrah isagoo amray inuu dego halkaas oo ciidamada Muslimiintuna ay la dagaan xarunna uu kadhigto.

Seyf bin Cumar waxuu qabaa inay markaa ahayd sanadkii 16aad ee hijriyada Cutbana uu ka baxay magaallada Madaa’in oo uu ka aaday Basrah kadib markii la furtay Madaa’in waqtigaa iyada ahina ay ahayd bishii Rabiicul Awal ama Rabiicuth-Thaani ee sanadkii 16aad ee Hijriyada. Qaar kalena waxay qabaan in ay ahayd sanadkan markii uu Cumar diray Cutbah bin Qazwaan. Wallaahu aclam.

Abuu Mikhnaf waxuu soo weriyey in Cutbah bin Qazwaan loo diray Basra isagoo wato 300 iyo dhowr ciidan ah, markaa buu xaggeedii ku dhaqaaqay isagoo sii maraya acraabtii dhexda deganeyd illaa ay ciidamadiisii noqdeen 500, waxay markaa amintu ahayd buu yiri bishii Rabiicul Awal ee sanadkan, waxaana markaa dhulka Basra loo yaqaanay Ardul Hindi. Waxay ahayd dhul leh dhagaxyo cad cad. Markii uu tegay Cutbah halkaa baa waxaa kusoo baxay Saaxibu Furaat (ninkii halkaasi masuulka ka ahaa) oo hoggaaminaya 4000 oo ciidan ah, markaa bay is heleen, durtaba wuu ka adkaaday ninkii ciidamadaa sitayna wuu soo qafaashay, markaa buu Cutbah kadhex istaagay dadkii isagoo u khudbeeyay xasuusiyeyna fadaa’isha iyo wanaagga islaamka iyo in lagu dhego.

Waxa lasoo wariyaa in uu Cumar warqad u qoray Cutbah bin Qazwaan markuu u dirayey Basra, waxuuna ku yiri:” Cutboow! waxaan kuu wakiishay dhulka Ardul Hindi (Basra) , waana xawma kamid ah xowmoyinka cadawga, waxaana rajeynayaa inuu Alle kaaga fillaado waxa hareeraheeda ah oo uu kaaga gargaaro dusheeda. Waxaan warqad u qoray Al Calaa bin Xadrami si uu kuugu soo gurmado Curfajah bin Harthama. Markuu kuu yimaado soo dhaweey oo la tasho, uguna yeer (cadawga) xagga Alle, kii kaa yeelana ka yeel kii diidana ka qaad jizyo, hadday taa dhicinna waa seyf (yacni la dagaallan). Ugu Cabso Allaah wixii laguu wakiishay, waxaana kaaga digayaa inay naftaadu kuu saarto isla weyni oo markaa aakhiradaadu ay kaa fasahaadiso. Waxaad runtii la saaxiibtay Rasuulkii Alle SCW markaa baad cizoowday dullinnimo dabadeed, oo aad quwad yeelatay itaal darri dabadeed jeer aad markii dambe noqotay amiir musallad ah iyo boqor la adeeco. Wax baad oran, markaa baalagu dhageysan, amar baadna bixin markaa baa la yeeli oo lagu adeeci”. Way dheereed warqaddii dardaaranka iyo wilaayada ee uu Cumar u diray Cutbah Illaahay haka raalli noqdee, balse intaasi waxay ahayd nas kamid ah.

Cutbah waxuu tegay Basra oo uu degay. Bishii Rajab ama Shacbaan ee sanadkan ayuuna furtay Ublah. Markii uu geeriyooday Cutbah, waxuu Cumar masuul uga dhigay magaalladii Basra Al Muqiirah bin Shucbah.

Sanadkan dhexdiisa ayuu Cumar bin Al Khaddaab jeedalay wiilkiisii Cubeydillaah iyo jameeca kale oo uu ka oofinayey xadka cabbidda khamriga. Abuu Mixjan Al Thaqafi iyo Rabiica bin Umayah bin Khalaf ayaa kamid ahaa iyana dadkii xadka cabbidda khamriga laga oofiyey sanadkan. Waxaa kaloo la sheegaa in sanadkii hore laga oofiyey Abuu Mixjan ee aanan sanadkan laga oofin.

Dhanka kale xajka waxaa dadka xajiyey sanadkan Cumar bin Al Khaddaab. Masuuliyiintiisii goballada waxay ahaayeen sidan:

Shaam waxaa masuul uga ahaa Abuu Cubeydah, Ciraaqna Sacad bin Abii Waqaas, Baxreen waxaa masuul uga ahaa Cuthmaan bin Abil Caas ama Al Calaa bin Xadrami, Cummaanna waxaa masuul uga ahaa Xudeyfah bin Muxsin.

SANADKII 15AAD

Maadama aanan sanadkii hore ku xusin wax dhacdooyin ah oo ka dhacay dhulka Shaam, baan door bidnay inaan hadda ku hor marno dhanka Shaam. Waana in ay culimo badan badi ku sheegeen dhacdooyinkan aan immika soo min guurineyno ama aan xusayno inay dhaceen sanadkan 15aad ee Hijriyada, waana sida aan inaguna ku raacnay maadama ay jamhuurkoodu qabaan inay dhaceen sanadkii 15aad.

Dhacdadii Maraj Al Ruum

Sanadkan bay dhacday dhacdadani sida uu Ibnu jariir xusay. Waxay sababteedu ahayd kadib markii ay Abuu Cubeydah iyo Khaalid kasoo laabteen Fixil bay u qasdeen dhanka Ximsa iyagoo fulinayo amarkii amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, waqtigaasina waxuu ahaa waqti qabooba ah, markaa baa Abaa Cubeyda waxaa u muuqatay inuu aado Maraj Ar-Ruum. Boqor Hiriqal baa waxuu soo diray ciidama Ruumaan ah oo uu madax uga soo dhigay Towdar. Waxuu Towdar ciidamadiisii dejiyey galbeedka Dimishiq, markaana waxay ahayd waqti qabooba ah, waana markii Abuu Cubeyda ay u muuqatay in uu aado Maraj Ar-Ruum. Misna waxaa kaloo uu Hiriqal soo diray ciidan kale oo culus oo uu madax uga soo dhigay nin la oran jiray Shannas. Ciidamadii Shannas waxay dul degeen Abuu Cubeydah oo ay kala dhex galeen isaga iyo ciidamadii Towdar, markaa buuna Towdar u dhaqaaqay dhanka Dimishiq si uu uga saaro Yaziid bin Abii Sufyaan. Khaalid bin Waliid baa daba kacay raadkii Towdar, Yaziidna markuu ka war helay inuu Towdar xaggiisa kusoo wajahanyahay buu magaalladii kasoo baxay isaga iyo ciidankiisii, waxayna is heleen Towdar, halkaa waxaa ku dhex maray dagaal labadii qolo ciidankii Yaziid iyo kuwii Towdar. Dagaalku wuu socday waxuuna ahaa dagaal kulul, Yaziidna horey ayuu ka dagaallamayey goor uu dagaalkii socday buuna Khaalid yimid isagoo gadaal ka laynayey ciidamadii Towdar ee uu markii horeba ku raad joogay. Halkaa buu Khaalid ku dilay Towdar ciidamadiisi si daran u laayey, waxaana yaraa intii ka bad baadday. Muslimiintii waxay halkaa kaga qaniimeysteen Ruumaankii maal tiro badan, kadib markii la qeybiyey buuna Yaziid magaalladiisii Dimishiq ku laabtay, Khaalidna dhankii Abii Cubeydah buu u boqaallay.

Waxuu Khaalid u tegay goor Abuu Cubeydah iyo Shannas uu dagaal kulul dhex maray, halkaasoo goobta Maraj Ar- Ruum uu Abuu Cubeydah ku dilay Shannas kana laayey maqtala badan ciidamaduu watay, heer maydkoodii uu dhulka camiray. Firxadkii kuwii jabay buu Abuu Cubeydah eryanayey illaa ay galeen magaalladii Ximsa. Markaa buu go’doomin ku qabtay.

Furashadii Koowaad ee Ximis

Markii uu Abuu Cubeydah gaaray magaalladii Ximsa siduu u eryanayey kuwii jabay buu dul degay oo uu go’doomin ku qabtay, Khaalidna wuu ka daba yimid oo go’doomintii buu wax ka qabtay. Waxay ku qabteen xisaar aad u daran, waqtigaana waxuu ahaa waqti qabooba ah, dadkii baladkuna way sabreen iyagoo ku rajo weynaa inay (Muslimiintu) ka laaban doonaan waqtiga uu qaboowgu darraado. Saxaabadii oo iyagu ka sabar iyo adkeysi badnaa dadka baladka ayaa waxay muujiyeen sabar aad u sarreyo, halka Ruumaanku gommaduhu daldallaciyey qaboowgii jiray iyagoo weliba sitay quf lugaha ay qabowga kaga asturtaan, haddana dhanka kale saxaabadu iyagu waxay wateen oo qura kabahooda oo wax kale kumaysan sidan lugaha, sidooy tahayna wax daldallaac ama wax lamid ah makasoo gaarin qaboowgii jirey, waxayna muujiyeen adkeysi badan. Markii uu waqtigii qaboobaha dhammaaday bay Muslimiintii sii adkeeyeen go’doomintii ay Ximsa ku hayeen, markaa bay odayaashii reer Ximsa u bandhigeen dadkoodii inay la heshiiyaan Muslimiinta hase ahaatee way diideen, waxayna yiraahdeen:” Ma waxaan la heshiinnaa iyadoo boqortooyadii ay inoo dhow dahay? Waxaa la yiraahdaa Muslimiintii baa maalin maalmaha kamid ah takbiirsadeen mar qura takbiir ay magaalladii la gilgilatay oo qaar kamid ah derbiyadiina ay daldallaaceen, markaa bay misna markale takbiirsadeen takbiir ay guryaha qaar kamid ah la dumeen. Markaa bay caamaddoodii u tegeen culimadoodii iyo madaxdooda oo ay ku yiraahdeen:” Ma waydaan u jeedin waxa inagu dul degay iyo waxa aan ku sugannahay, ma waydaan qowmku heshiis nooga gunteynin? Markaa bay Muslimiintii kula heshiiyeen heshiis lamid ah kii ay la galeen reer Dimishiq, waxuuna Abuu Cubeydah ku waajibiyey inay bixiyaan jizyo qoor kasto hodan iyo faqiirba oo ay ku hoos noolaadaan dowladda Islaamka. Intaa kadibna khumuskii qaniimada iyo bishaaradii ayuu Abuu Cubeydah u diray dhankii amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab isagoo horey ugu sii dhiibay C/llaahi bin Mascuud Al Hudali, isagiina Abuu Cubeydah waxuu degay magaalladii Ximsa oo uu markii hore dhankeeda kusoo wajahnaa. Waxaa markaa lasocday ciidan culus oo ay ku jireen rag halyeeyadii Islaamka ah oo ay kamid ahaayeen Bilaal bin Rabaax iyo Al Miqdaad bin Camr. Kadib Abuu Cubeydah waxuu warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab taasoo uu ku ogeysiinayo in Hiriqal uu gooyey biyahii Jaziiradda oo uu marna soo baxo marna uu dhakado. Waxaa timid warqaddii jawaabta ee Cumar bin Khaddaab, taasoo uu ku amrayo inuu Abuu Cubeydah dego magaallada Ximsa oo uu xarun ka dhigta.

Dhacdadii Qinnasriin

Markii uu furtay Abuu Cubeydah magaalladii Ximsa ayuu Khaalid bin Waliid u diray dhankii Qinnasriin. Markii uu Khaalid yimid Qinnasriin baa waxaa kusoo baxay dadkeedii Ruumaankii iyo Carabtii Nasaareyda, waxaana dhex maray iyaga iyo Khaalid dagaal aad u daran, waxuuna ka laayey khalqi badan.

Ammaa Ruumaankii halkaa ahaa wuu laayey, amiirkoodii Meytaas-na wuu dilay. Carabtii Nasaareyduna iyagu way cududdaarteen in dagaalkan uusan markii hore ahayn ra’yigooda, markaa buu Khaalid ka yeelay oo iska daayey, kadib waxuu galay baladkii oo markaa ay dadkeedi ku aruureen qalcadaha, markaa buu u yeeray inay usoo dagaan, kadibna wuu furtay Khaalid dhulkaas

Cumar bin Khaddaab markay gaartay sancadii Khaalid bin Waliid ee dhacdadan buu yiri:” Allaha u naxariisto Abuu Bakar waxuu ahaa mid ragga iiga ogaal badan, Illaah baan ku dhaartaye ugamaanan cazilin Khaalid raayadda (masuuliyadda Shaam) waxaan ka ahayn in aan ka yaabay inay isagu dadka tala saartaan”.

Guuriddii Boqorkii Ruumaaanka Ee Hiraqal

Sanadkan dhexdiisa ayaa boqorkii Hiriqal looga adkaaday dhulkii Shaam oo uu guud ahaan ka guuray, isagoo u guuray dhulka Ruum. Sidaa waxaa xusay Ibnu Jariir, Maxamed bin Isxaaq iyo culimo kale, Seyf bin Cumarse waxuu yiri:” Waxay ahayd markaa sanadkii 16aad ee Hijriyada.

Annagoo tixraaceyna qowlka Jamhuurka oo ay badi qabaan Culamaayi Siirah ayaan raaceynaa qowlka Ibnu jariir iyo Ibnu Isxaaq.

Waxay ahayd in Boqorkii Ruum ee Hiriqal mar waliboo uu xaj ahaan u yimaado dhulka Beytul Maqdis uu ku oran jiray markuu ka tegayo:” Sallaamun Caleyka Suuriyaay!! salaan sagootin, waaan kuusoo laaban doonaa”.

Markii uu sanadkan goostay safarka iyo inuu ka baxo dhulka Shaam oo uu marka hore u gaaray goob la yiraahdo Ruhaa buu ehelkiisii ka dalbaday inay safarkiisa dhulka Ruum ay kula rafiiqaan, hase ahaatee waxay u sheegeen inay doonayaan inay ku haraan dhulka Shaam, markaa buuna isaga tegay.

Markii uu gaaray Shamshaan buu istaagay oo jalleecay dhanka Beytul Maqdis, markaasuu yiri:” Nabadi ha ahaato dushaado Suuriyaay! nabad gelyo iyo sagootin oo aan soo noqod lahayn illaa aan Islaamo, dib dambena kuugu soo laaban maayo qof Ruumi ah isagoo cabsanayo mooyaan, hoogeygee!! Maxaan u dhashay? Kadib wuu sii socday Hiriqal illaa uu ka gaaray magaalladii Qusdhandhiin, halkaasoo uu boqortooyadiisii dejiyey. Waxuu wax ka weydiiyey nin markaa ka hor ay Muslimiinti horey u qafaasheen, waxuu ku yiri:” Waxaad iiga warrantaa qowmka kan (ee Muslimiinta ah)”. Waxuu ninkii yiri:” Waxaan kaaga warramayaa sida adigoo u jeeddid, waxay maalintii fuushan yahiin fardo, habeenkiina salaad bay u taaganyahiin, ma galaan (guryaha) salaaan la’aan”. Hiriqal waxuu si wacan u dhageystay dhowr sifooyin oo uu ninkii ka bixyey Muslimiinta markaa buuna Hiriqal yiri:” Haddii aad iiga run sheegtay (xaggooda) waxay mulkin doonaan halkatan ee ay gomadahaygu saaran yahiin”.

Xadiith Saxiixeynka ku sugan oo laga soo weriyey Abuu Hureyrah ayaa waxuu yiri:” Rasuulka Alle SCW waxuu yiri:” Hadii uu halaagsamo (yacni dhinta) Kisraa (boqorkii Furus) ma jiri doono Kisraa kaloo ka dambeyn doono, haddii uu halaagsamo Qeysar (boqorka Ruum) ma jiri doono Qeysar kaloo ka dambeyn doono. kan ay nafteydu awooddiisa ku jirta (yacni Allaah) baan ku dhaartaye waxaad kunuuztooda (yacni keydadkooda) u isticmaali doontaan jidka Alle”. Runtii run buu sheegay xabiibkeenna udgoon badane SCW, markii uu yiri jiri maayo Qeysar dambe ama Kisra dambe oo markaa ka dambeyn doono kuwii xilligaa jiray, kuwaasoo dhulalka Shaam iyo Furus si guud u maamuli doono. Siduu Rasuulka SCW sheegay muddo gaaban bay ahayd markii ay Saxaabadii kaga takhalluseen boqortooyadoodii. Dib dambeysanna uguma soo laabanin tan dahrigan aakhirkiisa.

Wax waliboo uu Rasuulkeenna SCW sii sheegayna waa wax dhacay ama dhici doono idinka Alle.

Dhacdadii Qeysaariyah

Sanadkan dhexdiisa ayuu amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab amray Mucaawiyah bin Abii Sufyaan inuu aado dhanka Qeysaariyah, warqad ayuuna usoo qoray isagoo ku leh:” Waxaan kuusoo wakiishay Qeysaariyah ee aad xaggeeda Allana uga gargaar dalbo dushooda, oo badi qowlka Laa xowla walaa quwati Illaah bilaahil-caliyul cadiim”. Mucaawiyah xaggii Qeysaariyah buu aaday oo uu go’doomin ku qabtay, markaa bay dadkeedii kusoo baxeen dhowr mar, markii ugu dambeysayna waa markuu dhacay dagaalkii ugu darnaa oo uu Mucaawiya cadawgu kaga laayey tiro aad u badan oo dad ah, dagaalka ayuu Mucaawiya ku xeel dheeraaday illaa uu furtay, furashaduna maysan iman jeer uu marka hore ka laayey 80 000, boqolkii kunna waxuu ku buuxiyey firxadkii ka cararay macrikada ee ay sii laynayeen ciidamadii Muslimiinta. Bishaaradii guusha iyo khumuskii qaniimada ayuu Mucaawiyah u diray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab.

Sanadkan dhexdiisa buu Cumar warqad u qoray Camr bin Al Caas, taasoo uu ku amrayo inuu aado Iiliyaa. Camr bin Al Caas wuu dhaqaaqay dariiqa intuu hayey bay ciidama Ruuman ah kusoo baxeen Ramalla agteeda, waxayna ahayd:

Dhacdadii Ajnaadeen

Markaasina waxay ahayd inuu Camr bin Al Caas ku dhaqaaqay halkaas iyadoo ciidamadiisa midigtu uu madax uga dhigay wiilkiisa C/llaahi bin Camr bin Al Caas kuwa bidixdana Junaadah bin Tamiim Al Maaliki oo ka dhashay banii Maalik bin Kinaanah waxaana la socday Shuraxbiil bin Xasana, Urdunna waxuu ku dhaafay Abul Acwar As- Sulami. Markii uu Camr bin Al Caas gaaray magaalladii Ramallah halkaa waxuu kula kulmay jamac Ruumaan ah oo uu madax uyahay Ardhaabuun oo isagu ahaa kii ugu caqliga badnaa Ruum uguna shirqool iyo sir badnaa. Ardhaabuun waxuu magaallada Ramallah dhigay ciidan culus, sidaa si lamid ahna magaalladii Iiliyaa waxuu dhigay ciidan kale oo culus, markaa buu Camr bin Al Caas warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab isagoo ku war gelinayo arrintaas. Markii ay warqaddii Camr gaartay Cumar bin Khaddaab buu Cumar yiri:” Waxaan isku dhufannay Ardhaabuunkii Ruum iyo Ardhaabuunkii Carabta”. Kadib Camr bin Al Caas waxuu diray Calqamah bin Xakiim Al Fazaari iyo Masruuq bin Bilaal Al Caki oo uu diray la dagaallanka reer Iiliyaa, misna waxuu kaloo diray Abuu Ayuub Al Maaliki oo uu u diray Ramallah oo uu markaa madax ka ahaa Tadaariq. Sababta ugu weyn ee labadaa ciidan uu u diray Camr bin Al Caas waxay ahayd inay ka mashquuliyaan labadaa magaallo inay ciidamo gurmad ah uga yimaadaann Ardhaabuun ama si aysan kaga imaan ciidamo dhabar jab kusameeyo Muslimiinta. Markastoo uu Camar bin Al Caas gurmad uu uga yimaado dhanka Cumar, waxuu u kala diraayey gurmadkaas labadii jiho yacnii Iiliyaa iyo Ramallah, isagiina waxuu dul degay Ajnaadeyn oo ay Ardhaabuun isku hor fadhiyeen. In badan oo uu ergo dirsaday Camr bin Al Caas kuwaasoo uu u diray dhanka Ardhaabuun si ay xagga Alle ugu yeeraan una gaarsiiyaan waxa uu rabo bay war shaafiyo kaga keeni waayeen, taasina waxay dhashay inuu isagu laf ahaantiisa aado isagoo lamoodo inuu yahay ergay waana siduu isagu laf ahaantiisa muujisanayey, waxuu u galay Ardhaabuun oo uu la hadlay gaarsiiyeyna dantiisii, markiina uu Ardhaabuun dhageystay hadalladii Camr bin Al Caas fahmayna ulajeeddadiisa buu dareemay inuu ninka la hadlayo yahay Camr, waxuu Ardhaabuun oo isla hadlayo is yiri:” Illaah baan ku dhaartaye kani waa Camr ama waa midkii uu Cumar qaadan lahaa ra’yigiisa, mana jirto arrin kaloo aan qowmka (Muslimiinta ah) ku asiibi karo oo aan ka ahayn inaan isagu dilo” Markaa buu Ardhaabuun u yeeray nin kamid ah ilaaladiisii oo uu arrin ku sirreeystay isagoo ku yiri:” Orodoo isaag meesha sidaa iyo sidaa oo markuu kusoo maro dil.” Camr bin Al Caas oo runtii ahaa nin digtoonidiisu ay aad u nooleyd baa dareemay inuu Ardhaabuun ninka kula faqay shirqool, markaasuu ku yiri:” Amiiryahow! Waan dhageeystay hadalkaadii adiguna waad dhageysatay hadalkeygii, aniguna waxaan ahay 10 nin midkoodii, kuwaasoo uu Cumar u soo diray dhulkan si ay masuul uga ahaadaan, waxaan jecleystay inaan kuu keeno dhammaantood si ay u dhageeystaan hadalkaada oo ay arkaan waxii aan arkay”. Ardhaabuun oo runtii arrintaa aad ugu farxay waxuu is yiri malaha 10 isagoo kalaa kuu iman doonto saa waad dili doontaa idilkooda. Waxuu yiri:” Haaheey! orodoo ii keen idil”.

Kadib waxuu u yeeray nin kale oo uu ku sirreystay isagoo ku amrayo inuu ninkii hore soo celiyo ayaa waxuu ku yiri:” Orodoo aad hebal oo soo celi” Markaa buu kacay Camr bin Al Caas oo uu ciidankiisii aaday, markiina uu Ardhaabuun yaqiinsaday inuu ninku ahaa Camr bin Al Caas buu yiri:” Ninku wuu i qayaanay, Illaah baan ku dhaartaye kani waa kii Carab ugu caqliga badnaa”.

Warkaa isaga ah baa gaaray Cumar bin Al Khaddaab markaasuu yiri:” Allaha dhowro Camr”.

Kadib Camr bin Al Caas ciidamadiisii ayuu dhisay oo dagaal daran baa ku dhex maray isaga iyo Ardhaabuun goobtii Ajnaadeyn, dagaalkaasoo ahaa mid kulul oo lamid ahaa kii Yarmuuk illaa ay meytidii labada dhinac badatay, Kadib bay ciidamadii kale u yimideen Camr bin Al Caas kadib markii ay kunoogeen reer Iiliyaa oo markaa qalcaddo adag kaga jiray. Ciidamadii Camr bin Al Caas markaa bay bateen oo dagaalkii ayaa sii socday, markaa buu Ardhaabuun warqad usoo qoray Camr bin Al Caas uu ku leeyahay:” Adigu waxaad tahay saaxiibkey iyo mid iidhigmo, qowmkaaga dhexdooda waxaad ku tahay sida aan anigu qowmkeeyga dhexdooda ku ahay. Illaah baan ku dhaartaye dhulka Falastiin ka furan meysaan wax dambe oo aan ka ahayn Ajnaadeyn ee isaga laabto oo yaydaan ku kadsoomin dabeeto ay idinku dhacdo waxii ku dhacay kuwii idinka horreeyay oo jab ah”.

Camr bin Al Caas waxuu u yeeray nin ku hadlo luuqadda Ruumiyada waxuuna u diray dhankii Ardhaabuun isagoo ku yiri uteg oo soo dhageyso waxa uu leeyahay kadiba iisoo laabo oo iiwarran. Horey ayuu Camr bin Al Caas warqad ugu dhiibay ninkaa isaga ah si uu ugu geeyo Ardhaabuun, warqaddaasi hadalladii ku qornaa waxaa kamid ah sida tan: Waxaad ogtahay anigu inaan ahay ninkii furan lahaa dhulka kan, ku dul akhri warqaddeydan intaad soo kulmiso asxaabtaada iyo waziiradaada. Markii ay warqaddii gaartay Ardhaabuun buu isu soo aruuriyey asxaabtiisii iyo waziiradiisii oo ku dul akhriyey warqaddii, markaa bay waziiradiisii ku yiraahdeen :” Oo xaggee baad ka ogaatay inuusan ahayn ninkii furan lahaa dhulkan? Waxuu yiri:” Ninkii furan lahaa dhulkan waa nin uu magaciisu ka koobanyahay saddex xaraf”. Ergeygii wuu soo laabtay oo Camr bin Al Caas ayuu uga warramay waxii dhex maray Ardhaabuun iyo waziiradiisii.

Kadib buu Camr bin Al Caas warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta isagoo ka dalbanayo inuu gurmad usoo diro, waqtigaasina waxay ahayd markii uu Cumar isku diyaarinayey inuu galo dhulka Shaam magaallada Beytul Maqdis si uu u furto.

Kadib Ajnaadeyn waala furtay oo Illaahay Muslimiintii ayuu guul iyo lib ku siiyey, halka cadawgiina ay kujabeen. Muslimiinta waxaa dagaalkan kaga shahiiday khalqi badan oo ay kamid yahiin saxaabadii Rasuulka SCW, waxaa kamid ahaa saxaabadii ku shahiidday C/llaahi bin Zubeyr bin C/Mudalib oo ay Nebigu SCW ilmo adeer ahaayeen, Hubbaar bin Al Aswad, Dhuleyb bin Cumeyr bin Wahab bin Kathiir bin Hind (Cabdi) bin Qusay Al Qurashi Al Cabadiyu oo ay dhashay Nebiga SCW eeddadiis Arwaa bint C/Mudalib, Diraar bin Al Azwar Al Asdi, Salama bin Hishaam bin Muqiirah oo la dhashay Abuu Jahal bin Hishaam, Nuceym bin Cabdillaahi Al Cadawiyu (Al Naxaam), waxaa kaloo la sheegaa inuu Nucaym ku shahiiday dagaalkii Yarmuuk. Abaan bin Saciid bin Al Caas Al Umawi (sidoo kale waxaa la sheegaa inuu Abaanna ku shahiiday dagaalkii Yarmuuk), Hubbaar bin Sufyaan bin Cabdu Al Asad Al Makhzuumi, iyo saxaabo kaloo badan Illaahay haka raalli noqdee. Waxaa la sheegaa inuu Cikramah ku shahiiday dagaalkan Ajnaadeyn qaar kalena waxay yiraahdaan Yarmuuk Wallaahu Aclam.

Furashadii Beytul Maqdis

Cumar bin Al Khaddaab waxuu dhulka Shaam galay afar jeer sida uu Seyf bin Cumar kasoo wariyey shuyuukhdiisa.

Mar waxay ahayd inuu ku galay faras waana markii la furanayey Beytul Maqdis oo ahayd markii ugu horreysay ee uu galo Shaam isagoo amiir ah. Marka labaad waxay ahayd inuu galay isagoo saaran awr, marka saddexaadna waxay ahayd inuu galay oo uu gaaray Surac kadibna uu soo laabtay xanuunkii ka dhacay halkaas darteed, marka afraadna waa inuu galay isagoo saaran dameer, siduuba soo min guuriyey ibnu Jariir.

Sida uu soo min guuriyey Ibnu Jariir Ad-Dhabari, sanadkan baa la furtay Beytul Maqdis, sababtuna waxay ahayd markii uu Abuu Cubeydah ka faaruqay Dimashiq buu warqad u diray reer Iiliyaa isagoo ugu yeeraya xagga Allaah iyo Islaamka, haddii ay diidaanna u bandhigaya jizyo, hadday diidaanna dagaal. Way diideen reer Iiliyaa wixii uu ugu yeerayey Abuu Cubeyda oo aan ka ahayn dagaal, markaa buu ciidamaddiisii la dhaqaaqay. Dimashiqna waxuu ku dhaafay Saciid bin Zeyd bin Camr Al Cadawi, markaa buu Abuu Cubeydah Beytul Maqdis go’doomin ku qabtay jeer ay dalbadeen heshiis hase ahaatee ay ku shardiyeen in uu u yimaado amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab. Markaa buu Abaa Cubeydah warqad u qoray Cumar bin Khaddaab isagoo arrintaa ku ogeysiinay, Cumarna dadkii reer Madiina iyo saxaabaddii buu kala tashaday inuu baxo iyo inuu joogo. Cuthmaan bin Cafaan oo kamid ahaa dadkii uu la tashanayey isaguu waxuu soo jeediyey inuusan bixin oo isku mashquulin kuwaas isagoo markaa xaqirayey sheegayna inay yahiin kuwa aan habbooneyn inuu Amiirka Mu’miniinta isku mashquuliyo. Cali bin Abii Daalib oo isaguna kamid ahaa raggii ahlu shuurada waxuu keenay ama soojeediyey inuu Cumar baxo oo uu Muslimiinta howsha go’doominta usoo dhib fududeeyo uuna soo booqdo si ay taasi niyad dhisugu noqoto. Runtii Cumar fikirkii Cali buu doorbiday oo uu qaatay. Markaa buu ciidamadiisii la dhaqaaqay isagoo magaalladii Madiinana ku dhaafay Cali bin Abuu Daalib, ciidamadiisa hore waxuu madax uga dhigay Al Cabbaas bin C/Mudhalib, waxuuna qaatay faras si uu u deg dego, waxuuna gaaray goobta Jaabiyah halkaasoo uu ciidamadiisii dejiyey kuna khudbeeyey khudbadiisii caanka ahayd ee uu ku waaninayey. Kadib waxuu la heshiiyey reer Jaabiyah, kadiba waxuu uguuray Beytul Maqdis, madaxdii goballaduna warqado ayuu uqoray si ay usoo wafdiyaan maalin heblo Jaabiyah oo uu ula kulmo, Markii ay ugu imanayeen halkii uu kula ballamay maalintuu laballamay, Yaziid bin Abii Sufyaan ayuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee madaxdaasi kamid ah ee uu Cumar lakulmay, kadibna Abuu Cubeydah ayuu la kulmay, kadibna waxuu arkay Khaalid oo fardooleydii Muslimiinta ku dhex jira.

Markii uu Abuu Cubeydah arkay Cumar buu usoo socday dhankiisa Cumarna uu usoo dhaqaaqay dhankii Abuu Cubeydah iyagoo midiba midka kale u hilloowsanyahay oo uu u xiiso qabo, markaa buu Abuu Cubeydah damcay inuu dhunkado gacmaha Cumar, Cumar baa markaa fahmay oo inta iska qabtay damcay inuu dhunkado lugaha Abuu Cubeydah, markaa buu Abuu Cubeydana fahmay oo uu iska qabtay. Taasi waxay muujineysaa sidii ay iskugu hillooween raggaa walaalada ah oo kala maqnaa muddo afar sano ah Radiyallaahu Canhumaa.

Madaxdii oo idil way kulmeen kadib markay soo boggeen howlahoodii marka laga reebo Camr bin Al Caas iyo Shuraxbiil bin Xasana, iyagu markaa waxay hortaagnaayeen Ardhaabuun oo waxay ahayd markii ay socotay carcartankii Ajnaadeen. Goor uu Cumar kula suganyahay madaxdii goobta Jaabiyah baa waxaa yimideen guuto Ruumaan ah oo wadato seefo galku ka baxsanyahay, markaa bay Muslimiintii oo hubkooda sita la aadeen dhankoodii markaa buu Cumar ku yiri:” Kuwan waa dad dalbanayo magangalyo”. Markaa bay dhankoodii aadeen oo waaba ciidama kayimid dhanka Beytul Maqdis kana dalbanayaan heshiis iyo magan galyo amiirkii Mu’miniinta kadib markay maqleen soo galootigiisa. Markaa buu Cumar kaga jawaabay wixii ay weydiiyeen una qoryay warqad heshiis ah iyo magan galyo, waxuuna kuwaajibiyey jizyo, isagoo kula sharatamay jizyo. Warqaddii uu Cumar u qoray waxaa goob joog ahaa rag kamid ah madaxdii ciidamada Muslimiinta oo uu kamid ahaa Khaalid bin Waliid, waxaa kaloo joogay C/Raxmaan bin Cowf oo isagu Cumar lasocday, Mucaawiya bin Abii Sufyaan oo isaguna kamid ahaa madaxdii gobalka Shaam, isaga ayaana warqadda qorayey.

Kadib reer Ludd buu warqad kale u qoray isagoo ku waajibiyey inay bixiyaan jizyo kulana heshiiyey mid lamid ah heshiiskii reer Iiliyaa.

Dhanka kale Ardhaabuun waalaga adkaaday waxuuna u cararay Masar oo halkaa ayuuna ku guuleystay Camr bin Al Caas sidaynu soo xusnay. Markiina uu la heshiiyey reer Ramallah iyo hareerahii dhulkaas buu soo aaday dhankii Cumar bin Al Khaddaab, isaga oo uu lasocda Shuraxbiil bin Xasana, waxayna ugu yimideen Jaabiyah. Waxay utegeen goor uu Cumar faraskiisa saaranyahay, markaa buu usoo degay, markuu arkay oo macaanaqeeyay yacni xabadka xabadka u saaray oo dhunkaday labaduba.

Kadib Cumar waxuu ka dhaqaaqay Jaabiyah isagoo ku jeedo Beytul Maqdis, kadibna wuu galay isagoo Ruumaankiina u qabtay muddo 3 casho ah. Kadib waxuu galay masjidkii isagoo ka galay albaabkii uu Rasuulka SCW ka galay habeenkii dheelmitaanka. Waxaa la sheegaa inuu salaamay masjidka markii uu galay oo uu tukaday labo rakcadood oo taxiyatul masjid ah isagoo ku tukaday Mixraabu-Daa’uud CS. Salaaddii subax ayuu Muslimiintii halkaa ku tujiyey isagoo akhriyey rakcada koowaad suuradda Saad kuna sujuuday sujuudda dhexdeeda ah, rakcaddii labaadna waxuu akhriyey suuradda banii israa’iil ( israa ).

Kadib markuu la heshiiyey kulana heshiiyey bixinta jizyo oo Beytul Maqdis, Lud iyo Jaabiyah uu furtay, oo uu madaxdii iyo ciidamadii Muslimiinta la kulmay, muddo dhowr casho ahina uu lajoogay ayuu magaalladiisii Madiina ku laabtay, isagoo Ruumaankii oo idil rucbi iyo argagax ku riday kadib markii ay maqleen soo galootiga uu dhulka Shaam soo galay.

Aan immika uweecanno dhankaa iyo dhacdooyinkii Furus ee sanadkan.

Baabil & Kowthi

Sida uu xusay Ibnu Jariir sanadkan 15aad dhexdiisa bay Muslimiintii iyo Faarisiintii dhex mareen dhacdooyin badan, in kastoo dhacdooyinkaas ay mu’arrakheenta sida Ibnu Isxaaq iyo Seyf bin Cumar iyo Al Waaqidi ay kusheegeen sanadkii 16aad ee Hijriyada. Sida mash-huurka ah oo Ibnu Jariir uu qabo ayaa waxay tahay in markii uu Sacad Qaadisiyah ka faaruqay buu Cumar warqad u qoray dhankii Sacad, taasoo uu ku amrayo inuu aado Madaa’in oo ahayd xaruntii boqortooyadii Furus, dumarka iyo carruurtana uu ka tego. Markaa buu Sacad ciidamadiisii diyaarsaday, markaa buuna hortiisa diray ciidamadiisii hore oo uu madax uga dhigay Zuhrah bin Xawiyah. Kadib madaxdii baa mid mid isaga daba baxday, dabeetana ciidamadii guud ee uu Sacad hoggaaminayey ayaa dhaaqaaqeen, iyadoo markaa ay ciidamadaasi siteen fardo iyo hub aad u tiro badan. Dagaalkii Qaadisiyah waxaa u xil saarnaa dagaal gelinta ciidanka Khaalid bin Curfadhah, halkii booskiisa buu Sacad ka qaaday oo uu u dhiibay wiilkii walaalkiis ee Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas, Khaalidna waxuu udhiibay ciidamadii dambe. Markaa buu Sacad dhaqaaqay isagoo wata hub iyo fardo tiro badan, markaana waxay ahayd iyadoo maalmo ay ka dhimantahay bishii Shawaal ee sanadkan. Waxay degeen ciidamadii halka ay maanta tahay magaallada Kuufa, markaa buu Zuhrah bin Xawiyah hortooda guuray isagoo ku sii jeedo magaalladii Madaa’in ee xaruntii boqortooyadii Furus. Waxuu Zuhrah dhaxda kula kulmay Busbuhri oo hoggaaminayo ciidamo Faarisiin ah kadibna wuu jebiyey. Jabkii Faarisiinta ee ka cararay Zuhrah baa waxay orad ku galeen Baabil, halkaana waxaa ku sugnaa kuwii kasoo jabay maalintii Qaadisiyah.Markaa bay madax ka dhigteen Feyruzaan.

Markaa buu Zuhrah warqad u diray dhankii Sacad bin Abii Waqaas, taasoo uu ku ogeysiinayo in Baabil ay isugu tegeen jamac kuwii Qaadisiya kasoo jabay iyo weliba kuwo uu isagu jebiyey, oo ay weliba madax kadhigteen Feyruzaan . Markaa buuna Sacad ciidamadiisii lasoo dhaqaaqay isagoo ku jeedo dhankii Baabil, halkaa ayayna Sacad iyo Feyruzaan isku heleen oo uu ku jebiyey. Jabkii kuwii cararay ee Majuusta baa waxay uqeybsameen labo qeybood, qeyb iyadu u carartay dhankii Madaa’in iyo qeyb kaloo u carartay dhanka Nahaawunda. Sacad maalmo ayuu kusii nagaa Baabil, kadib buuna ka dhaqaaqay isagoo u boqaallay dhankii Madaa’in. Dhexda ayuu kula kulmay koox kaloo Faarisiin ah, waxaana dhex maray dagaal aad u kulul. Markaa buu amiirkii ciidamadaas oo la oran jiray Shahryaar mubaarizo soo baxay, markaa baa waxaa u baxay nin kamid ah ciidamadii Muslimiinta oo la oran jiray Abuu Nabaatah Naa’il bin Jushcum Al Acraji muddo bay is laaclaaceen iyagoo fardahooda dul saaran, markaa bay markii dambe qoorta isla galeen, dabeetana ay dhulka Iskula dhaceen, Shahrayaar baa waxuu kudul dhacay xabadka Abuu Nabaatah dabeetana jeebta ayuu gacanta geliyey si uu ula soo baxo mindi qinjir ah oo uu doonayey inuu ku qalo, hase ahaatee Abuu Nabaatah Naa’il bin Jucshum baa waxuu afka la helay fartii Shahrayaar oo uu qaniinyo dhab siiyey illaa uu nafsaddiisii u mashquuliyey markaa buu kaga itaal roonaaday inuu qinjirkii ka qaado dabeeto buu darsiiyey oo uu ka tallaabsaday waxuuna ka furtay wixii hub iyo salab ahaa ee uu sitay iyo faraskiisii. Sacad bin Abii Waqaas waxuu u jideeyey inuu qaato wax alliyo wixii uu ka furtay oo hub iyo faras iyo hanti, waxuuna Sacad amray inuu Abuu Nabaatah ku dagaal galo faraskii uu kafurtay Shahrayaar, markaa buu isagiina Abuu Nabaatah fuulay faraskii oo uu ku dagaallamayey. Goobtu waxay ahayd Kowthi, markaa buu Sacad booqday halkii lagu xabbisay Nebiyullaahi Ibraahiim Al Khaliil CS, waxuuna markaa Sacad akhriyey qowlka Alle Sarreeye ee ah: Waana sidaas (adduunyadu) waa maalmo oo waxaanu ku kala wareejinnaa dadka dhexdiisa. Suuradda Aali Cimraan aayadda 140aad.

Nahar-Sheer (Bahuraasiir)

Mucjamul Bildanka waxaa kusugan magaca ah Buhuraasiir sidaa si lamid ahna Taariikh Ad Dabaqaat waxaa ku qoran Bahurasiir, qaar kalena waxay yiraahdaan sida kusugan Al Bidaaya wan Nihaaya: Nahar-Sheer.

Magaalladan Bahurasiir ama Nahar-Sheer waxay ahayd mid kamid ah magaallooyinkii la isku oran Jiray Al Madaa’in.

Sababta dhacdadani waxay ahayd Sacad baa wuxuu diray Zuhrah bin Xawiyah hortiisa isagoo u diray dhanka Bahuraasiir ama Nahar-sheer. Markaa bay ku kulmeen Shayrizaad goobta Saabaadh, halkaasoo uu kula heshiiyay inay bixiyaan Jizyo. Kadib buu Zuhrah u diray dhanka Sacad heshiiskii iyo jisyadii uu ka guntay Shayrizaad. Markaa buu Sacad ciidamadiisii soo dhaqaajiyey illaa uu soo gaaray meel la yiraahdo Mudlem Saabaadh, halkaasina waxaa kusugnaa jamac Faarisiin ah, waxaayna dariiqa Muslimiinta dhigeen libaax weyn oo uu lahaa boqorkii Kisraa, waxaana libaaxaasi la oran jiray Muqarridh. Markaa buu Sacad dhankii libaaxa u diray wiilkii walaalkiis, Haashim bin Cutbah ibnu Abii Waqaas oo dilay libaaxii dadkii oo eegayo, maalintaa baana seyftiisii loogu magac daray Seyful Matiin, markaa buuna Sacad dhunkaday madaxa Haashim, Haashimna waxuu dhunkaday lugaha Sacad.

Kadib Haashim baa weerar ku qaaday Faarisiintii illaa uu durkiyey isagoo akhrinayo qowlka Alle Sarreeye:” Oo maweydaan ahayn kuwii horey ku dhaartay inayan idiin sugnaan wax tegid ah”. Suuradda Ibraahiim aayadda 44aad.

Markii habeenkii la gaaray bay Muslimiintii rarteen oo ay dul degeen Bahuraasiir (Nahar-Sheer), markastooy guuto kamid ah ciidamada Muslimiinta gaaraan halkaas way takbiirsanayeen, illaa markii dambe uu yimid ciidankii weynaa ee Sacad, halkii bayna dul degeen oo ay go’doomin ku qabteen.

Sanadkan waxaa dadka xajiyey Cumar bin Al Khaddaab, masuuliyiinta goballaduna waxay ahaayeen: Shaam Abaa Cubeydah, Ciraaqna Sacad bin Abii Waqaas, Dhaa’if waxaa masuul uga ahaa Yaclaa bin Umayah, Baxreen iyo Yamaama-na waxaa masuul uga ahaa Cuthmaan bin Abil Caas Al Thaqafi, Cummaanna waxaa masuul uga ahaa Xudeyfah bin Muxsin. Sidaa waxaa qabo Ibnu Jariir.

SANADKII 16AAD

Bilashadii sanadkan howlahii sidii hore waa ay ka fududaadeen, Sacad-na waxuu dul degnaa Buhurasiir oo kamid ahayd magaallooyinkii laysku oran jiray Madaa’in, waxay magaalladani daanta galbeed ka xigtay webiga Furaat. Waqtiguu Sacad halkaa tegay waxay ahayd bishii Dil Xijjah ee sanadkii 15aad, oo sanadkan howshii way u fududaatay iyadii ayuuna dul daganaa.

Sacad intuu halkaa joogay waxuu diray fardooley wardoon ah, hase ahaatee cidi maysan soo helin aan ka ahayn inay soo qabqabteen 100 000 oo qotidii reer Furus. Markaa buuna Sacad warqad u diray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab, taasoo uu kala tashanayo siduu ka yeeli lahaa. Markaa buu Cumar soo amray in haddaysan la dagaallamin uu iska sii daayo, oo uu u bandhigo marka hore inay islaamka qaataan. Sacad Islaamkii buu ubandhigay oo xagga Alle buu ugu yeeray, wayse ka diideen waxayna doorteen inay bixiyaan jizyo, kadibna wuu iska sii daayey.

Majirin beeraley kunooleed dhul kamid ah wixii galbeedka ka jiray webiga Dajlah ee xigay dhulka Carabta illaa waxay hoos imanayeen dowladdii Islaamka iyo inay bixiayan jizyo. Magaalladii Bahurasiir waxay diidday Sacad diidis tii ugu darneed inuu haweysto. Markaa buu u diray Salmaan Al Faarisi si uu xagga Alle ugu yeero, suu xagga Alle ugu yeeray, ama jizyo ama dagaal. Hase ahaatee way diideen wixii uu ugu yeeray oo aan ka ka ahayn dagaal iyo caasin. Markaa bay xireen manjaaniiq iyo dabaabaat. Markaa buuna Sacad amray ciidamadii Muslimiinta in la sameeyo manjaaniiq, waxaana la sameeyay 20 manjaaniiq oo lagu dul xiray magaalladii Bahurasiir, go’doomintiina way ku adkeeyeen. Reer Buhurasiir (Nahar-Sheer) waxay ahaayeen kuwa mararka qaar soo baxa oo dagaallamo, waxayna ku dhaaranayeen inaysan carareynin abad, hase ahaatee Alle baa beeniyey dhaartoodii kadib markii uu jebiyey Zuhrah bin Xawiyah oo uu ka laayey tiro aad u badan oo Faarisiin ah, markaa bay hortiisii carareen oo magaalladii galeen.

Muslimiintii go’doomintii ayay ku qabteen oo weliba kusii adkeeyeen, heer dadkii baladka qaajo daran qabatay oo ay bahallada cuneen. Nin iyagii kamid ah baa Muslimiinta uyimid oo ku yiri:- Boqorku waxuu idin leeyahay Ma dooneysaan inaad inalagu heshiisaan inaan yeelanno waxiiwebiga Dajlah xagga buurtayada ka xigo, oo aad idinna yeelataan waxii webiga Dajla xagga buurtiina ka xigo? Oo ma ku dheregteen, Alle calooshiinnu ma dherjiyee? Markaa baa waxaa dadkii kasoo dhex booday nin la oran jiray Abaa Muqarrin (ama Abuu Mufarriz) Al Aswad bin Qudhbah oo Alle baa ka hadashiiyey isagoon ogeyn waxuu ku hadaaqay. Ninkii Faarisiga ahaa wuu laabtay, markaa bay Muslimiintii arkeen Faarisiintii oo ka guureyso magaalladii Bahurasiir una guureyso Madaa’intii weyneed. Markaa bay dadkii Abuu Mufarriz ku yiraahdeen:- Oo maxaad ku tiri (waa iyaga guuraye)? Markaasuu ku yiri:- Kan Muxammed SCW xaqa kusoo diray baan ku dhaartaye garan maayo waxii aan ku iri, kaliya (waxaan ogahay) inay sakiinad igu soo degtay, waxaana rajeyn inuu noqdo waxii aan ku hadaaqay waxa ugu wanaagsan. Dadkii baa waxay gudo galeen inay arrintaa wax ka weydiiyaan, waxaana kamid ahaa dadkii su’aalayey Sacad bin Abii Waqaas oo isagu halkuu degnaa ugu tegay markaasuu ku yiri:” Maxaad ku tiri? Illaah baan ku dhaartaye waa iyaga cararay.

Markaa buu Abaa Mufarriz ugu dhaartay inuusan garaneynin waxii uu yiri.

Sacad bin Abii Waqaas dadkii buu ka dhex dhawaaqay isagoo ku amrayo in manjaaniiqa lagu gano magaallada. Dabeeto nin baa ka dhex qayliyey kamid ah dadkii baladka oo dalbanayo magangalyo, markaa bay magan geliyeen. Waxuu ninkii yiri:” Illaah baan ku dhaartaye cidi kuma sugno baladkan”.

Muslimiintii markii ay soo galeen waxay yimideen magaalladiii oo cidlo ah oo aysan qofna kula kulmin, idil waxay u carareen Madaa’intii weyneed.

Waqtigaas waxuu ahaa bishii Safar ee sanadkan. Muslimiintii markii ay soo galeen magaalladii Bahurasiir waxay doon dooneen qasrigii caddaa ee Madaa’in. Waa qasrigii boqorka ee uu horey u xusay Rasuulka SCW inay furan doonaan umaddiisa.

Markaasi waxay ahayd goor waa bari ah, waxaana u hor arkay Diraar bin Khaddaab markaasuu yiri:” Allaahu akbar ( Qasrigii ) caddaa ee Kisraa, waxa kani waa waxii ay inoo yabooheen Allaah iyo Rasuulkiisa SCW”. Markaa bay Muslimiintii dhankiisii wada eegeen, dabeetana ay takbiir kuwada qaabilleen illaa uu ooggu ka baryay.

Furashadii Madaa’in

Markii uu Sacad furtay Bahurasiir oo uu dajiyey, sifadii uu markaa ku galayna waxay ahayd iyadoo cidlo ah waxbana uusan ka helin, bal ee gedigood Faarisiintii waxay u wareegeen Madaa’intii weyneed iyagoo webiga Dajlah ku gooshay doonyo, wixii hanti ahaana rarteen. Sacad bin Abii Waqaas ma uusan haysan wax doonyo ah oo uu ciidamadiisa ku raro si uu uga daba tego cadawga. Webigii Dajla wuu kacay oo mowjadaha hirka waxay ahaayeen kuwa aad u waaweyn. Markaa baa waxaa soo gaaray Sacad war ah in boqorkii Kisraa ee Yazdajrid uu doonayo inuu ka guuro magaallada Madaa’in oo uu u wareego Xulwaan, isagoo waxii hanti uu lahaa oo idilba aruursaday, haddiisanna uu Sacad ka gaarin muddo saddex casho gudahooda ah inuu ka tegi doono oo uusan gaariyenin bay usoo tabiyeen wardoonnada. Markaa bay arrini Sacad ku caddaatay, dabeetana ciidamadii buu ka dhex kacay oo Alle mahadiyey oo amaanay kadib buu u khudbeeyay isagoo usheegay in cadawgu uu ka maciinsaday baddan (Webiga Dajlah oo kacay), waxuuna Sacad isoo webiga dul taagan usheegay ciidamadiisii inay isagu ka go’antahay inuu galo webiga oo uu dhex goosha illaa uu dhanke kale tego oo uu markaana cadawga la kulmo. Ciidamadii oo idil waa ay ku raaceen inay iyaguna la galaan biyaha, waxayna yiraahdeen:” Alle baa innaga iyo adigaba inoo gooyay falka kiisa toosan”.

Sacad waxuu ciidamadii ka soo dhex saaray kudhawaad 600 si ay iyagu marka hore u galaan oo ay utamkiiniyaan dhanka kalee webiga, waxuuna madax uga dhigay Caasim bin Camr.

Caasim baa ciidamadii lixda boqol ahaa ka kaxaystay 60 fardooleydii geesiyaasha ee farakutiriska kamid ahayd si ay marka hore iyagu u galaan. Markaa bay 60-kii fardooleyda ahayd wada galeen biyahii, waxayna ukala qeybsameen labo qeybood, qeyb kuwii fardaha labka sitay iyo qeybta kaloo ahayd kuwii fardaha dheddiga sitay. Faarisiintii markii ay arkeen iyagoo dul socda biyaha bay yiraahdeen:” Diiwana! Diiwaana! oo ay ula jeedaan Majaaniin! Majaaniin! oo lamacno ah waa kuwo waalan”.

Waxay yiraahdeen:” Ma la dagaallameysaan dad bal ee waxaad la dagaallameysaan jinni”. Kadib waxay Faarisiintii soo direen fardooley iyaga kamid ah si ay Muslimiinta ugu diidaan inay biyaha kasoo baxaan, markaa buuna Caasim asxaabtiisii amray inay ay gammuunka iyo waramada lasoo baxaan oo ay indhaha ka tuuraan. Markiina ay usoo dhawaadeen birrigii bay waramada kaga shaqeeyeen oo ay fardahoodii indhaha ka tuureen, kadibna Faarisiintii dib bay ulaabteen iyagoo awoodi kari waayey inay Muslimiintu hor istaagaan ilaa ay markii dambe ka baxeen biyahii. Markaa buu Caasim raacdeystay illaa uu ka eryay dhankii kale.

Intii kalee ka hartay asxaabtii Caasim ee lixda boqol ayaa iyana soo galeen, waxayna utageen asxaabtoodii kale ee dhanka kale joogtay oo ay lajirkooda la dagaal galeen illamaa ay dhankaas ka eryeen Faarisiintii oo ay tamkiiniyeen.

Guutada hore ee ciidamadaas waxaa lagu magacaabi jiray Katiibatu Al Ahwaal, waxaana madax u ahaa Caasim bin Camr sidaynu soo xusnayba. Guutada labaadna waxaa la oran jiray Katiibatu Al Kharsaa waxaana madax u ahaa Al qacqaac bin Camr. Sidaa ayada ah guud ahaan ciidamadii kale ee Sacad waxay daawanayeen sida ay fardooleyda Muslimiinta ugalayaan majuusta Faarisiinta, Sacadna waxuu taagnaa webiga jinkiisa.

Ciidamadii kale ee haray ayaa iyaguna dhammaantood soo galeen, waxayna markaa ahayd markii ay arkeen in fardooleydii Muslimiinta ay haggaajiyeen dhankii kale oo ay Faarisiintii ka eryeen. Waxuu Sacad amray markii ciidamadu Muslimiinta ay galayeen biyaha inay yiraahdaan:” Nastaciinu Billaah, wanatawakalu caleyhi, Xasbunallaah wanicmal wakiil, walaa xowla walaa quwati illaa Billaahil Caliyul caziim”. Kadib faraskiisii buu la galay, Muslimiintii oo idilna way lasoo galeen oo cidi kamaysan harin. Markaa bay biyahii ku dul socdeen sida ay dhulka ugu socdaan oo kale, waxayna buuxiyeen labadii dhinac ee webiga. Biyaha ayay ku dul sheekeysanayeen sida ay dhulka ugu sheekeystaan oo kale, mana jirin wax biyo ah oo soo gaarayey alaabtooda iyo heeryada fardaha toona. Taasi waxay timid kadib markii ay dejisay xasilooni oo kalsooni dhammeys ah ay qaateen iyagoo ku rajo weynaa yabooha iyo gargaarka Alle, tiiyoo uu ciidamadaasi amiir u ahaa Sacad bin Abii Waqaas oo kamid ahaa 10kii jannada loogu bishaareeyay uuna Rasuulka SCW geeriyooday isagoo ka raalli ah oo weliba u duceeyay isagoo leh:” Alloow!! ajiib ducadiisa oo ganiddiisuna sug”.

Ulajeeddadu waxay tahay Sacad wuxuu ahaa amiirkii ciidamadaasi Muslimiinta ee maalintaa iyada ah, uuna ciidamada u duceeyey isagoo Rabbiga Sarreeye ka baryey guul iyo badbaado. Gamuun buu Sacad ku ganay hirkii biyaha, markaa buuna Alle u adkeeyay oo ku nabad yeelay, mana jirin cid Muslimiinta kaga hafatay biyaha ama ay wax kusoo gaareen, marka laga reebo nin isago faraskiisa ka sibiqaday durbana waxaa qabtay Al qacqaac bin Camr oo kamid ahaa geesiyaashii Muslimiinta. Markaa buu ku toosiyey reeryadii faraska illaa uu si saani ah ugu fadhiisiyey. Ninkaa isaga ah waxaa la oran jiray Qurqadah Al Baaruqiyu. Waxuu yiri:” Haweeni way ka caajistay inay dhasho Al qacqaac bin Camr oo kale”.

Sidoo kale majirin hanti kaga fakatay Muslimiinta biyahaas, marka laga reebo weel ka sameysnaa geed oo uu lahaa nin la oran jiray Maalik bin Caamir, isagiina Alle ayaa usoo celiyey kadib markii uu ka baryay inuu usoo celiyo weelkiisii. Mowjadahii hirka baa soo celiyey oo keenay dhankii ciidamadu Muslimiintu ay marayeen, markaa bay inta soo qabteen u dhiibeen ninkii lahaa. Maalintaa iyada ah waxay ahayd maalin weyn oo mucjiso weyn ay dhacday, waxayna ahayd mucjiso kamid ah mucjisooyinkii uu Rabbi SW usoo dejiyey addoomadiiisa. Tanoo kale ayaanan horey uga dhicin dhulka Furus iyo dhulalkii kaleba, marka laga reebo qadiyaddii Al-Calaa bin Xadramiy ee ka dhacday dhulka Baxreyn, hase ahaatee tan ayaa ahayd mid ka weyn kana mucjiso ballaaran, waayo ciidamadani way ka badnaayeen ciidamadii Al Calaa oo wayba ku dhowr jibbaarmayeen.

Wuxuu Sacad maalintaa yiri:” Kan nagu filan waa Allaah, isaga ayaana unicmo badan wax la talo saarto. Illaah baan ku dhaartaye wuu u gargaari doonaa Alle weligiisa, wuuna dahirin doonaa diintiisa oo wuuna jibin doonaa cadowgiisa, hadduusan ciidanku kujirin mid baqyi ah ama aysan jirin dunuub ka adkaan karto xasaanaadka”.

Salmaan Al Faarisi oo Sacad la socday ayaa isaguna waxuu yiri:” Islaamku waa jadiid, oo Illaah baan ku dhaartaye Alle baa u jeexay badda siduuba ugu jeexay berriga (yacni dariiq buu uga sameeyay). Kan (Allaaha) ay nafta Salmaan gacantiisa (awooddiisa) kujirto baan ku dhaartaye waxay (Muslimiintu) uga bixi doonaan (biyaha) koox koox siday markii horeba kusoo galeen koox koox”.

Markii ay Muslimiintii ka baxeen biyahii bay galeen magaalladii Madaa’in oo ay horey Faarisiintii uga baxeen, cidina kulmaysan kulmin Muslimiintu magaallada, oo boqor Yazdajridna wixii uu hantidiisa ka qaadan karayey iyo ehelkiisii ayuu ka qaatay oo uu aaday dhanka Jolowlaa. Wuxuu Yazdajrid ka tegay hanti badan oo tabar uu ku qaado u waayey, sabab la xiriirta isagoo naftiisa la cararayey darteed, waxaana la sheegaa keydkii Kisra inay maalintaa kujirtay 1000 000 000 000 Diinaar, intay awoodi kareen ayayna ka qaateen intii kalena waa ay ka tegeen, waxaana lagu qayaasaa hantiday ka tegeen nus kamid ah keydkii Kisraa oo aan runtii lasoo koobi karin tira badnida uu qabay.

Markii ugu horeeysay waxaa galay magaallada guutadii la oran jiray Katiibatu Al-Ahwaal, kadibna waxaa galay guutadii labaad ee iyana la oran jiray Katiibatu Al-Kharsaa.

Sacad bin Abii Waqaas iyo ciidamadiisii ayaa misna soo galeen magaalladii, waxuuna arkhinayey Sacad markuu soo galayey qowlka Alle Sarreeye:” Oo immisay ka tageen beero iyo dur durro, iyo tallaalo iyo meelo sharaf leh, iyo nicmooyin ay ku raaxeysan jireen? Xaalku waa sidaas, oo waxaanu dhaxalsiinnay qowm kale (oo Muslimiin ah)”. Suuratu Dukhaan aayadaha 25aad illaa 28aad.

Waxuuna Sacad tukaday markuu soo galay 8 rakcadood oo ah salaadda furasha. Seyf bin Cumar siduu xusay waxuu leeyahay:” Sacad waxuu tukaday siddeeda rakcadood isagoo mar qura salaamo noqdsaday”. Kadib waxuu ciidamadii Muslimiinta tujiyey salaaddii jumcaha ee ugu horeysay, taasoo ahayd tii ugu horeysay ee dhulka Ciraaq lagu tukado, sababtuna waxay ahayd inuu Sacad niyooday inuu kusii naqaado Madaa’in.

Kadib wuxuu diray Sacad sirriyaad uu ku diray raadkii kuwii jabay iyo Yazdajrid. Waxay sirriyadaasi is heleen koox Faarisiin ah oo ay diriri dhex martay, dabeetana ay jebiyeen kana soo furteen hanti badan oo kamid ah wixii ay Madaa’in kala carareen oo u badnaa dhar, gaar ahaan lebbiskii boqor Yazdajrid, taajkiisii iyo xulliyad badan oo la isku qurxiyo. Sacad bin Abii Waqaas waxuu amray in la isku soo aruuriyo hantidii laga soo furtay kuwii jabay iyo tii weliba laga qaniimeystay Madaa’in.

Markuu Sacad furtay magaalladii Madaa’in oo uu degay qasrigii caddaa ayuu arkay sanamyo dhowr ah oo midi uu gacanta ku ishaarayo meel, halkii buu markaa Sacad amray in la qodo. Dabeeto waala qoday waxaana laga soo saaray hanti aad u tiro badan oo ah keydkii boqorradii hora ee Kisraa. Muslimiintii waxay halkaa ka qaniimeysteen hanti aysan cidi horey ugu arag dunida wax ka cajiibsan, waxaana kamid ahaa hantidaas taajkii weynaa ee Kisraa, kaasoo ka sameysnaa jowharad indhuhu soo jiidanayso. Waxaa kaloo kamid ahaa seyftii boqorka iyo hanti kaloo badan oo u badneyd dahab, lu’lu, fiddo iyo jowhar faro badan. Waxaa kalooy ka heleen maab fidsan oo aad weyn oo ka sameysnaa dahab iyo jowharad, waxaana ku sawirnaa dhammaan goballada dhulka Furus iyo weliba inta dhul hoos timaaddo boqortooyada Faaris. Boqorka ayaa ka eegan jiray dhulalka uu utaliyo, iyo webiyadiisa iyo dhulbeereedka dhulka hoos yimaado isaga.

Taajku wuxuu ahaa mid weyn, oo markuu boqorku ku fadhiisto kursiga boqortooyada ayaa kor looga keenayey taajka oo ay ku xiranyahiin silsilado waaweyn oo ka sameysan dahab, kuwaasoo kor u celinayo, waayo taajka ayaa waxuu ahaa mid culus oo uusan boqorku awoodin inuu madaxa ku haayo, sidaa darteed isaga madax ayunbuu la galayey oo silsiladaha dahabka ah ayaa kor uga haaynayey. Markuu fadhiisto oo xijaabka laga qaado bay madaxdiisa iyo dadkiisa sujuud ula dhici jireen. Kadib markuu isku soo aruuriyey Sacad xoolahii Aqbaadhka ( qaniimadii inta aan la qeybinin ) buu u madax uga dhigay Camr bin Camr bin Muqarrin, hantidii ugu horeeysay ee uu isku soo aruuriyana waxay ahayd tii uu ka helay qasrigii caddaa.

Runtii waxay ahayd hanti aanan lasoo koobi karin tiro badni awgeed iyo kala nooc nooc ay qabtay darteed, wuxuuna intaa dabadeed Sacad u xil saaray qaybinta qaniimada Salmaan Al Faarisi kadib markuu ka saaray khumuskii, markaa buu qofkii faras watay helay 12 000. Ciidankoo idilna waxay ahaayeen fardooleey.

maabkii qariidada iyo dharkii Yazdajrid wuxuu Sacad kudaray khumuskii qaniimada, waxuuna udiray dhankii Cumar iyo Muslimiintii Madiina si ay u eegaan oo ay ula yaabaan. Wuxuuna u dhiibay Bashiir bin Khasaasiyah. Bishaaradii guushana waxuu u dhiibay Xuleys bin Filaan Al Asadi. Markii uu Cumar arkay hantidaas waxuu:” Qowmka keenay hantidan waa aaminiin”. Markaa buu Cali yiri:” Adiga ayaa dhowrsanaatay, markaa bayna raciyadaadii dhowrsanaatay, saa haddii aad daaqi lahayd iyana way daaqi lahaayeen”. Dabadeed Cumar hantidii buu dadkii u qeybiyey Calina waxuu saami u helay gobal kamid ah maabkii qariidada, markaasuu ku iibiyey 20 000.

Cumar bin Khaddaab markii loo keenay waxyaabahii uu Kisraa isku qurxin jiray ee xulliyaadka ahaa ayuu jinjimahii Kisraa ee dahabka ahaa u dhiibay Suraaqa bin Maalik bin Jucshum. Suraaqa horey buu Rasuulka SCW ugu ballan qaaday inuu heli doono jinjimaha Kisraa. Markiina uu Cumar u gelinayey Suraaqa jinjimaha ayuu ku yiri:” Dheh Allaahu akbar”. Markaasuu yiri:” Allaahu akbar”. Waxuu yiri Cumar:” Dheh mahad waxaa iska leh Allahii kasoo qaaday Kisraa bin Hurmuz ee u geliyey Suraaqa bin Maalik acraabigii reer banii Mudlaj”. Markaa buu Suraaqana sidaa yiri, markaasuu Cumarna yiri kadib markuu arkay jinjamahii oo kujiro gacantii Suraaqa:” Mahad waxaa iska leh Allahii kasoo qaaday Kisraa oo u geliyey Suraaqa bin Maalik acraabigii reer banii Mudlaj”.

Kadib Cumar waxuu yiri:” Alloow! adiga ayaa u diidday hantidan Rasuulkaadii iyo Nebigaadii SCW, waxuuna ahaa mid aad iga jeceshahay oo agtaadana iiga sharaf badan. waxaadna u diidday Abuu Bakar oo ahaa mid aad iga jeceshay, agtaaduna iiga sharaf badan. Markaa baad aniga isiisay, waxaan kaa magan galayaa inay noqoto siismo aad igu dhagreyso”. Kadibna si aad buu u ooyey. Kadib C/Raxmaan bin Cowf ayaa u tilmaamay inuu qeybiyo, sidii buuna Cumar sameeyey oo sidii hantidii iyo qaniimadii Qaadisiya oo kale ayuu u qeybiyey.

Cumar bin Khaddaab markii loo keenay waxyaabahii uu Kisraa isku qurxin jiray ee xulliyaadka ahaa ayuu jinjimahii Kisraa ee dahabka ahaa u dhiibay Suraaqa bin Maalik bin Jucshum. Suraaqa horey buu Rasuulka SCW ugu ballan qaaday inuu heli doono jinjimaha Kisraa ee dahabka ahi. Markiina uu Cumar u gelinayey Suraaqa jinjimaha ayuu ku yiri:” Dheh Allaahu akbar”.

Markaasuu yiri:” Allaahu akbar”.

Waxuu yiri Cumar:” Dheh mahad waxaa iska leh Allahii kasoo qaaday Kisraa bin Hurmuz ee u geliyey Suraaqa bin Maalik acraabigii reer banii Mudlaj”. Markaa buu Suraaqana sidaa yiri, markaasuu Cumarna yiri kadib markuu arkay jinjamahii oo kujiro gacantii Suraaqa:” Mahad waxaa iska leh Allahii kasoo qaaday Kisraa oo u geliyey Suraaqa bin Maalik acraabigii reer banii Mudlaj”.

Kadib Cumar waxuu yiri:” Allow! adiga ayaa u diiday hantidan Rasuulkaadii iyo nebigaadii SCW, waxuuna ahaa mid aad iga jeceshahay oo agtaadana iiga sharaf badan. waxaadna u diidday Abuu Bakar oo ahaa mid aad iga jeceshay, agtaaduna iiga sharaf badan. Markaa baad aniga isiisay, waxaan kaa magan galayaa inay noqoto siismo aad igu dhagreyso”. Kadibna si aad buu u ooyey. Kadiba C/Raxmaan bin Cowf ayaa u tilmaamay inuu qeybiyo, sidii buuna Cumar sameeyey oo sidii hantidii Qaadisiya oo kale ayuu u qeybiyey.

Dhacdadii Jalowlaa

Markuu ka dhaqaaqay Kisraa Yazdajrid bin Shahryaar magaalladii Madaa’in isagoo u cararayo Jalowlaa buu dhexda sii dhigay ciidamo cawaantii reer Furus ah oo tiro badan, waxuuna madax uga dhigay amiir la oran jiray Mihraan isagiina Kisraa waxuu usii gudbay Xulwaan. Ciidamadii uu u diyaariyey inay isaga iyo Muslimiinta kala dhex galaanna waxuu uga tegay Jalowlaa, iyadoo ay ka qoteen god aad u weyn hareeraheeda, halkaasoo ay la yimideen cudud iyo cadad iyo qalab tiro badan.

Markaa buu Sacad warqad u diray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab isagoo kula socod siinayo xaaladdu siday tahay.

Cumar ibnu Al-Khaddaab waxuu soo qoray in uu Sacad dego magaallada Madaa’in oo uu xurun ka dhigto, iyo in uu madax uga dhigo wiilkii walaalkiis ee Haashim bin Cutbah ciidamo uu kudirayo raadkii Kisraa Yazdajrid, iyo in ciidanka hore ee ciidamadaas madax looga dhigo Al qacqaac bin Camr, midigtana masuul looga Sacad bin Maalik, iyo in dhanka bidixdana loo dhiibo walaalkiis Cumar bin Maalik, halka uu soo amray in ciidamada dambena madax looga dhigo Camr bin Murrah Al Juhani. Sacad bin Abuu Waqaas sidii uu amiirkii Mu’miniinta soo amray ayuu sameeyay waxuuna diray wiilkii walaalkiis Haashim Cutbah bin Abii Waqaas iyo ciidamo culus oo uu hoggaaminayo oo kudhaw 12 000, waxaana kujiray ciidankaas saadaaddii Muslimiinta iyo horwadeennaddii Muhaajiriin iyo Ansaar iyo madaxdii Carabta. Markaasina waxay ahayd bishii Safar ee sanaddan dhexdeeda goor laga faaruqay howshii Madaa’in. Ciidamadii Muslimiinta waa ay dhaqaaqeen oo way socdeen jeer ay dul degeen majuustii oo god ka qodatay Jalowlaa, markaa buuna Haashim go’doomin ku qabtay, waxaana dhacaysay inay dhowr jeer soo baxeen Majuusta oo ay dagaallameen dagaallo aan horey looga baran lana maqal. Boqorkii Kisraa ee Yazdajrid waxuu gudo galay inuu gurmad iska soo dabo diro, sidaa si lamid ahna Sacad bin Abii Waqaas wiilkii walaalkiis buu isaguna gurmad usoo dirayey marba marka ka dambeyso. Waxaa kululaaday dagaalkii iyadoo gurmadkuna uu labada dhinac iska soo daba dhacayo, oo intaa ka gadaal waxaa huray dabkii dagaalka, markaas buu Haashim bin Cutbah ciidanka ka dhex kacay oo u khudbeyay oo dadka ku booriyay dagaalka, oo uu Alle-na tala saartay. Faarisiintii waxay isku dhaarsadeen oo ay kuballameen iyagoo kudhaaranayo dabka inaysan dib dambe cararin jeer ay Muslimiinta tiiriyaan.

Maalintii dambe ee ugu darneyn, waa maalintii loo yaqaannay” Yowmul Furqaan” ama sidoo kale loo yaqannay ”Yowmul Fasli”, waxay isku waafaqen inaysan cararin majuusta , waana maaalintii ugu darreyd dagaalka. Waxaana muslimiintii lagu gaaray salaaddi duhurka oo ay tukadeen. Dabeeto buu Al qacqaac dadkii ka dhex kacay oo guubaabiyey kheyr iyo guulona uu ugu bishaareyay.

Intaas kadib buu intuu Al qacqaac kaxaystay koox kamid ah halyeeyadii Muslimiinta oo geesiyaal ah ayuu habeenkii markii la gaaray ku dhuuntay mugdiga oo uu abbaaray dhankii ciidanka Faarisiinta oo uu dabadeedna uu socday ilaa uu ka gaaray albaabkii khandaqa ( godka ). Lama dareemin oo lama ogaan Al Qacqaac illaa uu isagu ku qeyliyey ” Muslimiintiiyeey waa kan amiirkiinni oo taagan albaabkooda”. Markaas bay Faarisiintii isku dhex yaaceen, Muslimiintiina waxay usoo dhaqaaqeen dhankii Al Qacqaac. Markaas bay Faarisiintiina kala firxadeen intooda ordi kareysay oo Muslimiintiina jiha waliba ka dooxateeyeen, oo dhufeys walbana u galeen. Halkaasna waxaa looga dilay 100 kun oo meydkoodii baa meel waliba daadsanaa.

Markaas bay muslimiintii qaniimeysteen maal badan , hub, dahab, iyo fida, maalkaas oo kudhaw maalkii iyo qaniimadii laga helay Madaa’in.

Markii ay Majuustii jabeen buu Haashim bin Cutbah firxadkoodii kadaba diray Al qacqaac bin Camr. Markaasuu Al qac qaac bursaday firxadka kuwii jabay oo uu sii laaynayey, waxuuna dilay Mihraan. Feyruzaanna waxuu daa’imay inuu jabka kuwii cararay uu dhexda ka galo. Waxuu Al qac qaac ka furtay dumar iyo carruur iyo hanti tiro badan, iyo daabbadooyin aad u badan, dhammaanna waxuu u diray Haashim bin Cutbah. Haashimna waxuu u sii diray Sacad, markaasuu intuu khumuskii ka bixiyey u wada qeybiyey ciidankii Muslimiinta oo idil.

Qaniimada Jalowlaa waxay ahayd 30 000 000 sida uu xusay Shicbi, khumuskii kaliya ayaa waxuu noqday 6 000 000. Qof kastoo faras watay maalinta ciidamada Muslimiinta waxuu helay saami lamid ah intii uu ka helay Madaa’in oo lamid ah 12 000 iyo 9 daabadood. Waxaa loo xilsaaray qeybinta qaniimadaas Salmaan Al Faarisi. Kadib khumuskii qaniimada iyo daabadahii baa loo dhiibay Ziyaad bin Abii Sufyaan iyo Qudaaci bin Camr iyo Abuu Maqrin Al Aswad si ay magaalladii Madiina u geeyaan. Markii Cumar loo geeyay dhammaan hantidii qaniimada iyo daabadihii buu weydiiyey sida dagaalladaasi ay u dhaceen, markaasuu Ziyaad bin Abii Sufyaan si cad ugu sheegay dhacdooyinkii iyo siday udhaceenba. Cumar markuu maqlay faseexada Ziyaad buu ka codsaday inuu mimbarka ka khudbeeyo oo uu ka sheego dhacdooyinkii iyo siday u dhaceen isagoo ay dadku wada maqlayaan. Markaa buu Ziyaad mimbarka fuulay oo si cad u waadixiyey siday dhacdadu u dhacday iyo inta Muslimiinta kaga shahiidday iyo intay gaallada ka dileen iyo inta hanti ee ay qaniimeysteen.

Dhacdadii Xulwaan

Markii uu Haashim bin Cutbah ka faaruqay Jolowlaa buu ku degay amarkii amiirka Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab isagoo xarun ka dhiganayo, waxuuna Xulwaan u diray Al qac qaac bin Camr oo uu iyana kudiray amarkii amiirka mu’miniinta. Taasoo uu horey warqad ugu soo qoray markii uu Sacad kala hadlayey qaddiyadii Yazdajrid, waxuuna amray inuu Sacad dego Madaa’in, oo uu diro Jolowlaa Haashim bin Cutbah, markiina Haashim uu furtay Jolowlaa buu Cumar amray inuu dego Jolowlaa oo uu Xulwaan udiro Al qacqaac bin Camr.

Waa sidaase Al qac qaac bin Camr waxuu daba kacay firxadkii kuwii jabay isagoo layenayey waxii uu helo, waxuuna dilay oo kamid Mihraan oo ahaa amiirkii dhacdada Jolowlaa hoggaaminayey Faarisiinta. Fayruzaan isagu waxuu dhexda ka galay jabkii majuusta illaa ay ka dul dhaceen boqorkoodii Yazdajrid oo kusugnaa Xulwaan, waxayna u sheegeen waxii Jolowlaa ku qabsaday oo jab ahaa iyo inta qof ee laga dilay iyo weliba in amiirkoodii laga daba yimid oo qudha laga jaray, oo weli taa looga harine firxadkoodii la daba joogo. Markaa buu Yazdajrid kasii cararay Xulwaan oo uu u wareegay magaallada Rayi. Xulwaanna waxuu kusii dhaafay ciidan uu madax uga dhigay nin la oran jiray Khushru washanuum. Markii uu Al qac qaac gaaray magaalladii Xulwaan ayaa waxaa kusoo baxay Khushru washanuum oo ay ku kulmeen meel ka soo baxsan magaallada, halkaasoo ay ku dhex martay dirir aad u kulul oo Alle durtaba ku jebiyey cadawgii, Muslimiintiina lib iyo guul kusiiyey. Markaa buuna Al qac qaac galay magaalladii Xulwaan oo aysan jirin cidi ka hor taagan, Muslimiintiina way soo galeen oo ay qaniimeysteen, dumar iyo carruur badanna qafaasheen. Waxayna ku dhaqeen islaamka. Dadkii deganaa hareerahaas iyo goballada ka dhaw dhawna jisyo buu Al qac qaac ku waajibiyey iyo inay Islaamka hoos yimaadaan kadib markii uu u bandigay Islaamka oo ay diideen waxaanan ka ahayn inay bixiyaan jisyo.

Al qacqaac bin Camr halkaa ayuu ku sugnaa illaa uu Sacad bin Abuu Waqaas markii dambe ka wareegay magaalladii Madaa’in isagoo u guuray Kuufa, markaa buuna Alqac qaac dhankii Sacad aaday oo uu Kuufa degay sida inoo iman doonto hadduu Alle idmo.

Furashadaii Takriid & Muusal

Markii uu Sacad furtay Madaa’in baa waxaa soo gaartay in reer Muusal ay isugu tegeen Takriid oo ay madax ka dhigteen nin gaal ahaa oo la oran jiray Al Andhaaq. Markaa bayna ahayd markii uu Sacad warqadda u qorayey dhanka amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, warqaddaasoo ka hadleysay qaddiyadii Jolowlaa. Horey wuxuu usoo amray Cumar in Jolowlaa loo diro Haashim bin Cutbah, waxaana dhacay waxii dhacay ee aan soo xusnay oo ah dhacdooyinkii Jolowlaa iyo Xulwaan. Sidoo kale warqaddaasi waxay markaasi ka hadleysay oo ku xusnaa qaddiyadii reer Muusal. Isla warqaddii uu Cumar jawaab ahaanta ugu diray dhanka Sacad ayaa waxuu sidoo kale kaga soo hadlay qaddiyadda reer Muusal, waxuuna soo amray Sacad inuu u diyaariyo ciidan la dagaallankooda (reer Muusal) iyo in ciidamadaas uu madax uga dhigo C/llaahi bin Al Mactam iyo in ciidankiisa hore uu madax uga dhigo Ribciy bin Al Afkal Al Canazi. Ciidamada midigta waxuu soo amray in madax looga dhigo Al Xaarith bin Xassaan Al Duhali. Ciidamada bidixdana waxuu soo amray in madax looga dhigo Furaat bin Xayaan Al Cajali, ciidamada dambe waxuu u dhiibay Hannaay bin Qeys, kuwa fardooleyduna waxuu u xil saaray Curfajah bin Harthamah.

Markaa buu C/llaahi bin Mactam kala dhaqaaqay 5000 oo ciidan ah magaalladii Madaa’in isagoo kusii jeedo dhanka Takriit iyo gaalkii Al Andhaaq. Waxuu socday afar casho dabeetana waxuu dul degay Takriit. Al Andhaaq waxuu isu soo aruuriyey jamac Ruumaan ah iyo Carabtii Nasaareyda ee halkaas daganayd oo ay kamid ahaayeen banii Taqlab, Iyaad iyo Nimar, iyagoo hareeraha magaallada ka qotay god weyn oo dhufeys ah. Markii uu C/llaahi bin Mactam soo gaaray buu go’doomin ku qabtay, waxuuna ku haayey 40 casho oo labaatan iyo afar kamid ahi ay gaaladu usoo baxeen (si ay Muslimiinta ula dagaallamaan), iyadoo mar waliba laga adkaanayey 24kaas casho oo mar waliba waalaga guuleysanayey, jamacooduna wuu jabayey oo wax aanan daciifnimo iyo itaal darri ahaynna kamaysan qaadeyn. Markaa bay Ruumaankii damceen inay doomankooda kula baxsadaan waxii hanti ay lahaayeen iyo nafahooda. Markaa buu Cabdullaahi bin Mactam u cid diray Carabtii Nasaareyda ee halkaa kusugneyd isagoo ugu yeerayo inay ka qayb qaataan difaaca iyo guusha dhulka. Markaa bay iyagiina ka yeeleen oo ay usoo cid direen. Misna mar kale buu u cid diray isagoo ku oranayo:” Hadday taasi run idinka tahay, qira inuusan jirin Alle (la caabbudo) oo aan ka ahayn Allah, iyo inuu Muxammedna SCW yahay Rasuulkii Alle, oo kuna raalli noqda waxa uu Alle agtiisa kalayimid”. Markaa bay iyana taasi usoo cid direen iyagoo wada Islaamay. Dabeeta mar kale buu u cid diray isagoo ku oranayo:” Hadday taasi run idinka tahay marka aanu takbiirsanno oo aan caawo weerarka ku qaadno inoo qabto albaabada doomaha”. Markaa bay C/llaahi bin Muctam iyo asxaabtiisi soo dhaqaaqeen oo ay takbiirsadeen sida takbiir nin qura uu mar takbiirsado, saa ay weerar culus qaadeen. Carabtiina dhanka kale ayay ka takbiirsadeen mar qura. Markaa bay Ruumaankii u carareen dhanka albaabadii webiga si ay doomanka ugu baxsadaan, hase ahaatee banii Iyaad, Taqlab iyo Nimar baa si daran u gummaadeen oo laayeen layn aad u daran. C/llaahi bin Muctam iyo ciidamadiisii dhanka kale ayay ka soo galeen oo ay laynayeen waxii ay arkaanba, cid ka badbaaddayna ma jirin marka laga reebo banii Iyaad, Taqlab iyo Nimar oo iyagu Muslimay. Intaa kadib Muslimiintii ayaa furteen Takriid, kadib markay jabeen cadawgii. Cumar bin Khaddaab waxuu horey warqaddiisa ugu soo amray in haddii la furto Takriid, loo diro Ribciyi bin Afkal dhanka Xasaneyn oo kamid ah Muusal. Markaasuu xaggeeda kudhaqaaqay siduu amiirkii Mu’miniinta soo amray, isagoo hoggaaminayo sirriyad ay la socdaan halyeeyadii ciidankii Muslimiinta ee Takriid furtay. Markiina uu dul degay Al Xasaneyn bay dadkeedii ka dalbadeen heshiis, markaasuu isaguna ku waajibiyey inay bixiyaan jizyo iyagoo dulleeysan. Intaa dabadeed waxaa la qeybiyey maalkii iyo qaniimadii laga helay Takriid kadib markii khumuskii laga saaray, waxuuna ninkii faras watay helay 3000, halka kii lugtana uu ka helay 1000.

Khumuskii qaniimada ayaa waxaa loo dhiibay Furaat bin Xayaan, bishaaradii guushana waxaa loo dhiibay Al Xaarith bin Xassaan si ay magaallada Madiina u geeyaan, imaaraddii dhulka Muusalna waxay hoostimid Ribciyi bin Afkal iyo Curfajata bin Harthama.

Furashadii Maasabadaan

Maasabadaan waxay ahayd magaallo weyn oo kamid ahayd magaallooyinkii dhulka Furus. Markii hore magaceedu waxuu ahaa ama la oran jiray Maah Sabadaan.

Markii uu Haashim bin Cutbah kasoo laabtay Jolowlaa, baa waxaa Sacad soo gaartay in Adhiin bin Hurmuzaan uu aruuriyey ciidamo Faarisiin ah si uu Muslimiinta ula dagaallamo. Markaa buu Sacad warqad u qoray Cumar bin Khaddaab isagoo arrintaas la socodsiinayo. Suu Cumar soo amray in loo diro ciidan uu madax uyahay Diraar bin Khaddaab. Markaas buu Diraar magaalladii Madaa’in ka dhaqaaqay isaga iyo ciidankiisii oo qeybtiisa hore uu madax uyahay Ibnu Huzayl Al Uzdi.

Ibnu Huzayl baa ka hor dhaqaaqay ciidamada guud, Saa waxay kulmeen ciidankii Adhiin bin Hurmuzaan ka hor intaysan soo gaarin ciidamadii Diraar, waxaana dhex maray dagaal culus oo durbo lagu jebiyey Adhiin iyo ciidamadiisii, isagiina lagu soo qabtay qafaal ahaan. Markaa buu Ibnu Huzayl amray in hortiisa unuunka loogu dheereeyo, saa kurka laga jaray. Kadib Diraar bin Khaddaab iyo ciidamadiisii waxay sii raacdeysteen firxadka kuwii jabay illaa ay magaalladii Maasabadaan oo ahayd magaalo wayn ay galeen oo ay xoog ku furteen, dadkeediina buuraha iyo keymaha ayay ku kala rooreen. Markaa buu Diraar u yeeray oo ay soo laabteen, suu jizyo kuwaajibiyey kuwoodii aanan Islaamin, isagiina halkii buu masuul ka noqday oo uu kusii sugnaa jeer uu Sacad ka wareegay magaallada Madaa’in oo uu uguuray Kuufa sida inoo iman doonto idanka Alle.

Furashadii Qirqiisiyah iyo Hayt

Markii uu iyana Haashim bin Cutbah kasoo faaruqay Jolowlaa, baa waxay dadkii Jaziiradda u gurmadeen reer Ximsa si ay ula dagaallamaan Abuu Cubeydah iyo Khaalid, markaasina boqorkooda Hiriqal waxuu kusugnaa magaallada Qinnasriin ama Andaakiyah.

Waa sidaase markaa bay dadkii Jaziiradda isugu tegeen magaallada Hayt. Markaa buu Sacad warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab asagoo xaalladaasi la socodsiinayo. Markaa buu Cumarna waxuu soo amray in loo diro ciidan uu madax uyahay Cumar bin Maalik bin Cutbah bin Nowfal bin C/manaaf Al Qurashi. Markaa buu Cumar bin Maalik la dhaqaaqay ciidamadiisii oo uu abbaaray dhanka Hayt, waxuuna tegay iyadoo ay cadawga dhufeys ka qoteen magaalladaasi, markaasuu go’doomin ku sameeyay. Mana uusan furan ee waxuu kaxaystay qayb kamid ah ciidankiisii oo dhaqaaqay. Go’doomintii Hayt-na waxuu kusii dhaafay Al Xaarith bin Yaziid, Asagiina Cumar bin Maalik waxuu aaday dhanka Qarqiisiyaa oo uu xoog ku furtay, waxayna ka dalbadeen inay bixiyaan jizyo. Markaa buu ka aqbalay. Dabeeto buu warqad u qoray masuulkiisii magaallada Hayt, isagoo ku amrayo in haddii aysan la heshiinin uu godkooda ka dul qodo god kale oo uu albaabo ugu yeelo dhankooda. Markay taasi gaartay reer Hayt bay dalbadeen heshiis iyo inay bixiyaan jizyo. Sidii ayaana lagu furtay halkaas.

Sanadkan dhexdiisa buu Cumar jideeyay in la qoro taariikhda Hijriyda oo laga billaabo hijradii Rasuulka SCW. Masuuliyiintiisii goballaduna waxay ahaayeen sidan: Shaam oo idil waxaa masuul uga ahaa Abuu Cubeydah bin Jarraax, Ciraaq oo dhammina waxaa masuul uga ahaa Sacad bin Abuu Waqaas, Dhaa’ifna waxaa masuul uga ahaa Cuthmaan bin Abul Caas, Yemanna waxaa masuul uga ahaa Yaclaa bin Umayah, Yamaamah iyo Baxreynna Al Calaa bin Xadramiyu, Cumaanna waxaa masuul uga ahaa Xudeyfah bin Muxsin, Basrana waxaa masuul uga ahaa Muqiirah bin Shucbah, Muusalna waxaa masuul uga ahaa Ribciyi bin Afkal, halka Jaziiradduna uu masuul uga ahaa Cayaad bin Qanam.

Sanadkan waxaa dadka xajiyey Cumar bin Khaddaab magaalladii Madiinana waxuu kusii dhaafay Zayd bin Thaabit.

SANADKII 17AAD

Sanadkan Billaawgiisii bishii Muxarram ayuu Sacad bin Abii Waqaas ka wareegay magaalladii Madaa’in isagoo uguuray Kuufa. Waxaanse ku xusi doonnaa sadarrada dambe marka aynu ka hadlayno dhacdooyinkii dhulka Furus ee sanadkan hadduu Alle idmo.

Immikuna aan u weecanno…

Dhacdooyinkii Dhulka Shaam Ee Sanadkan

Sanadkan dhexdiisa dhacdooyin dhowr ah ayaa dhulka Shaam ka dhacay, waxaana ka mid ahaa

 

Go’doomintay Ruumaanku Ku Sameeyeen Ximsa

Sababtu waxay ahayd in jamac Ruumaan ah ay goosteen inay weerar ku qaadaan Ximsa oo ay ku go’doomiyaan Abuu Cubaydah. Markaa bayna ka ciidan dalbadeen Ruumaanku dadkii jaziiradda iyo khalqigii agagaarkaas daganaa oo ay dabeetana soo aadeen dhankii Abuu Cubaydah. Markaa buu Abuu Cubaydah u cid diray Khaalid bin Waliid oo kusugnaa Qinnasriin si uu uyimaado, saa isagiina wuu yimid.

Intaa kadib waxuu Abuu Cubaydah warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab isagoo xaallada kula socodsiinayo. Abuu Cubeydah markaas buu ciidamadii Muslimiinta kala tashaday in uu cadawga u baxo oo uu debadda kula dagaal galo, mise inuu magaallada dhufeys ka galo jeer uu uga yimaado amarka Cumar. Markaasay dhammaan ciidankii u tilmaameen inuu magaallada dhufeys ka galo, Khaalid mooyaan oo isagu u tilmaamay in cadawga loo baxo oo banaanka magaallada lagula dagaal galo. Abuu Cubaydah wuu isaga tegay ra’yigii Khaalid, waxuuna qaatay ra’yigii Muslimiinta kale oo magaalladii ayuu dhufeys ka galay. Ruumaankii way yimideen markaasay go’doomin ku qabteen magaalladii Ximsa. Qolo kastoo kamid ah ciidamadii Muslimiinta ee kusugneyd dhulka Shaamna dhankeeda ayay u mashquulsaneed, oo haddii ay kasoo tagi lahaayeen si ay walaaladood reer Ximsa go’doominta uga qaadaan, waxaa meesha ka bixi lahaa nidaamkaa iyo dantii laga lahaa in lawada furto dhulka Shaam oo idil oo halkooda ayaa loo daba mari lahaa.

Sidaa darteed buu Cumar warqad ugu diray amiirkii ciidamada Muslimiinta ee dhulka Ciraaq – Sacad bin Abii Waqaas, isagoo ka dalbanayo in isla maalinta ay utegto warqaddaas uu dadka ku booriyo dagaalka, oo uu Al qacqaac bin Camr ku daro ciidamo kuwajahan dhanka Ximsa, si ay Abuu Cubaydah go’doominta uga saaraan. Waxuu kaloo Cumar uqoray Sacad in uu ciidan kale diyaariyo oo uu madaxa uga dhigo Cayaad bin Qanam, dabeetana uu u diro dhanka Jaziiradda kuwii iyagu usoo gurmaday Ruumaanka. Markaa bayna labadaasi ciidamo ka baxeen magaalladii Kuufa. Al qacqaac bin Camr oo hoggaaminayo 4 000 oo ciidanna waxuu abbaaray dhankii Ximsa, halka uu Cayaadna aaday dhankii Jaziiradda. Cumar bin Khaddaab qudhiisu magaalladii Madiina ayuu ka soo baxay si uu ugu gargaaro Abuu Cubaydah, waxuuna soo gaaray Jaabiyah, waxaa kaloo la sheegaa inuu gaaray Sarghi. Sidaa waxaa yiri Ibnu Isxaaq, wallaahu aclam.

Markii uu gaaray dadkii Jaziiradda ee Ruumaanka la socday in dhulkoodii ciidamo u daba mareen, bay dib ulaabteen oo ay Ruumaankii ka hareen. Dhanka kale Ruumaankiina waxay maqleen in Cumar bin Khaddaab uu soo galooti yahay oo uu uyimid inuu u gargaaro masuulkiisa Abuu Cubaydah. Waxaa kalooy maqleen in ciidamo gurmad ahna ay ka soo socdaan dhanka Ciraaq, markaa bay daciifeen oo itaal darri kudhacday. Markaa buu Khaalid u tilmaamay Abuu Cubaydah inuu weerar ku qaado, maadama ay daciifeen, saa weerar buu ku qaaday oo uu yeelay siduu Khaalid u ishaaray. Markaa buu Alle u furay Muslimiintii oo guul iyo lib halkaa kusiiyay, Ruumaankiina way jabeen jab aad u weyn.

Markaasi waxuu ahaa goor aysan ciidamadii gurmadka ee Kuufa ka soo baxay soo gaarin kahor saddex casho, Markaa buu Abuu warqad u qoray Cumar oo Jaabiyah ama Sarghi kusugan isagoo su’aalayo inay ciidamadii gurmadka kuyimid la wadaagaan wixii hanti ahaa ee cadawga laga ritay ( qaniimada ). Cumarna waxuu soo amray in lala wadaajiyo, waayo cadawgu waxuu ku jabay markay maqleen gurmadka soo galootigiisa. intaa kadib Cumar waxuu amaanay reer Kuufa isagoo kheyrna ugu duceeyay. Isagiina waxuu kulaabtay magaalladii Madiina.

Furashadii Jaziiradda

Sidaynu soo xusnay waata Jaziiradda loo diray Cayaad bin Qanam markii Al qacqaac loo dirayey dhanka Ximsa.

Sidaa darteed Cayaad bin Qanam iyo ciidamadiisii ayaa waxay ku dhaqaaqeen dhankii Jaziiradda isagoo ay la socdaan Abuu Muusa Al Ashcari, Cumar bin Sacad bin Abii Waqaas oo inan dhalinyaro oo aan howsha waxba kulahayn ah, iyo Cuthmaan bin Abul Caas. Markaa buu Cayaad dhaqaaqay oo uu sii maray Al Ruhaa, isagoo halkaa kula heshiiyey dadkii daganaa inay bixiyaan jizyo. Sidoo kale reer Xaraanna sidaa si lamid ayuu kula heshiiyey. Markaa buu Abuu Muusal Ashcari u diray dhanka Nusaybiin, Cumar bin Sacadna waxuu u diray dhanka Ra’sul Cayn, isagiina Cayaad waxuu aaday dhanka Daaraa, markaa baa dhulalkaasi oo idil lafurtay. Waxuu markaa diray Cuthmaan bin Abul Caas oo uu udiray dhanka Armeeniya, halkaasoo uu ka dhacay dagaal uu kugeeriyooday Safwaan bin Mucaddal isagoo shahiid ah. Kadib buu Cuthmaan halkaa kula heshiiyey dadkii daganaa inay bixiyaan jizyo ahlu beyd kastaaba inuu bixiyo hal Diinaar.

Sanadkan dhexdiisa ayaa Khaalid bin Waliid laga casilay magaallada Qinnasriin, kadib markii uu Ashcat bin Qeys kusiiyey 10 000 oo Dirham gabay uu utiriyey darteed.

Waxaa maxkamad lagu saaray masjidka iyadoo ay dadkii buuxaan, waxaana casiliddiisa u geeyay Bilaal bin Rabaax oo membarka masjidka Ximsa dadkii ugu khudbeeyay. Markaa buu Khaalid cududaartay, kadibna waxuu aaday magaalladii Qinnasriin oo uu uu dadkii daganaa u khudbeeyay oo sagootiyey. Markaasuu ehelkiisii la aaday dhanka Ximsa, oo uu dadkii daganaa u khudbeeyay kuna sagootiyey. Kadibna waxuu aaday magaalladii Madiina oo uu degay.

Markii uu Khaalid tegay Madiina, Cumar bin Khaddaab wuu soo dhaweeyay waxuuna ku yiri:” Illaah baan kudhaartaye agteyda waxaad ka tahay mid sharaf leh, oo waxaad agteyda ka tahay mid laga jecelyahay, hase ahaatee maanta dabadeed howl iima qabaneysid”. Goballadiina waxuu udiray warqad isagoo ku oranayo:” Ugamaanan casilin Khaalid xukunka khiyaano uu sameeyay iyo howl gaabin darteed tooni, hase ahaate waxaan ka yaabay inay dadku ku fidnoobaan, waxaana jecleystay inay (dadku) ogaadaan inuu Alle yahay ka isagu sidaa sameynayo (yacni guulaha badan waa Allaah kan sababay). Khaalid magaalladii Madiina ayuu degay jeer uu 20kii hijriyada firaashkiisii ku geeriyooday. Waxaa kaloo lasheegaa inuu kugeeriyooday magaallada Ximsa, wallaahu aclam.

Dhacdooyinkii Dhulka Furus ee Sanadkan

Horraantii sanadkan bishiisii Muxarram ayuu Sacad bin Abii Waqaas ka guurey magaalladii Madaa’in isagoo uguuray Kuufa oo iyadu sanadkan la aas-aasay. Sababtuna waxay ahayd saxaabadii baa ku xanuunsadeen Madaa’in oo midibadoodi ku baddalmeen oo jirkoodiina kudaciifay dhulkeeda oo dixsi iyo boor badnaa darteed. Markaa buu Sacad warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab isagoo xaalladaasi kula socodsiinayo. Cumarna waxuu soo amray in Muslimiinta loo sahmiyo dhul ay dagaan oo ka wanaagsan cimillada Madaa’in. Markaasuu Sacad diray Xudayfah iyo Salmaan bin Yaziid si ay Muslimiinta ugu sahmiyaan dhul ay dagaan. Markaasay dhaqaaqeen oo ay soo mareen dhulka Kuufa oo ahaa meel carro cas oo aad usoo jiidatay, jawigeeduna uu yahay mid aad uwanaagsan. Halkaasi waxay ka heleen saddex deyr oo kala ahaa Dayr Xarqah bint An Nucmaan, Dayr Ummu Camr iyo Dayr Salsalah. Waxaana dhexdooda ahaa guryo yar yar oo cush iyo qoryo kasameysnaa. Halkii midba dhan uduceystay isagoo Alle ka baryayo kheyrka dhulkaas iyo kheyrka uu yeelan doono iyo isagoo ka nabad galayo sharta dhulkaas iyo sharta uu yeelan doono. Kadib way laabteen oo khabarkii bay Sacad ugeeyeen. Markaa bay soo guuray horraantii Sanadkan isaga iyo Muslimiintii halkaa joogtayba. Markii Sacad yimid Kuufa waxii ugu horreeyay ee uu dhiso waxuu ahaa Masjidka, kadibna waxuu mixraabka agtiisa kadhisay daar laga maamulo imaaradda iyo beytul maalka. Dabeeto waxuu uyeeray nin kudheereeyo gannida gamuunka oo uu ka dalbaday in afarta jiho ee masjidka uu gamuunkiisa u gamo. Halka uu kudhaco ayuuna amray inay dadku ka dhistaan guryahooda. Markii ugu horreysay waxay guryaha kadhisteen qasab iyo geedo. Markaa bay magaalladii gubatay sanadkan dhexiida, kadibna waxay kadhisteen lebin iyo dhagax kadib markuu Cumar sidaa soo amray. Intaa kadib Kuufa waxay noqotay Xaruntii laga xukumayey dhulka Furus oo idil oo uu daganaa amiirkii ciidamada Muslimiinta ee dhulka Ciraaq, sidayba Ximsa xaruntii iyana laga xukumay dhulka Shaam oo idil oo saldhig u ahayd amiirkii ciidamada Muslimiinta ee dhulka Shaam oo idil.

Furashadii Ahwaas, Manaadir iyo Nahruteer

Hurmuzaan oo kamid ahaa Faarisiintii kasoo jabtay maalintii dagaalka Qaadisiyah ayaa gobalka Ahwaas iyo magaalooyinka hoos yimaado oo idilba ku yeeshay awood aad uweyn. Markaa baa laga soodiray labo ciidamo oo Muslimiin ah magaallooyinka Basra iyo Kuufa. Markaasay dhulkiisii ku ciriiriyeen isaga, oo ay ka qabsadeen Dajlah iyo Dujeyl inta udhaxayso, oo ay hanti badan ka qaniimeysteen, intii ay doonaan oo ciidamadiisii kamid ahna laayeen, wixii ay doonaan oo ay awood uyeeshaanna ay kafurteen kadib markay ka dileen cadad badan oo Majuus ah Falillaahil xamdu walmannaa.

Kadib Hurmuzaan ciidamadii Muslimiinta wuxuu ka dalbaday in inta ka hartay dhulkiisa ay kula heshiiyaan, markaasay Muslimiintii warqad u qoreen dhanka Cutbah bin Qazwaan oo isagu markii hore ciidamada Muslimiinta soo diray. Markaasuu Cutbah ka aqbalay oo la heshiiyey oo khumuskii qaniimada iyo bishaaradii guushana u diray dhankii Madiina iyo Cumar bin Al Khaddaab isagoo horey ugu siidhiibay Axnaf bin Qeys. Markii Axnaf uu khumuskii u geeyay Cumar, buu Cumar kartidiisa iyo caqligiisa, markaasuu warqad u diray Cutbah bin Qazwaan isagoo ku amrayo inuu Axnaf bin Qeys kaashado oo uu talo ka qaato oo ra’yigiisuna uu qiimeeyo.

Kadib Hurmuzaan mar kale buu ballantii buriyey oo heshiiskiina jebiyey. Waxuuna soo kaalmeystay koox Kurdi ah oo naftiisii kedisay, sheydaanna camalkiisaasi foosha xun buu uqurxiyey. Markaas bay Muslimiintii kubaxeen xaggiisa oo ay ka guuleysteen mar kale oo ay ka laayeey khalqi tiro badan. Waxayna ka qabsadeen dhulal aad ubadan, kadibna way sii raacdeysteen jeer uu galay magaalladii Tastur oo uu dhufeys ka galay. Markaasay Muslimiintii arrintaa warqad ugu direen Cumar iyagoo la socodsiinayo sida uu Hurmuzaan falay.

Furashadii Koowaad Ee Tustar Heshiis Ahaan

Markii la furtay suuqii weynaa ee gobalka Ahwaas oo uu furtay Xurquus bin Zuhayr buu Hurmuzaan cararay, markaasuu Xurquusna ka daba diray Jaz’a bin Mucaawiyah, amarkaasina amiirkii Mu’miniinta baa horey usoo amray. Markaa buu Jaz’a bin Mucaawiyah sii bursaday firxadkii Hurmuzaan jeer uu dul degay Raamhurmuz, halkaasoo uu Hurmuzaan dhulkeeda dhufeys ka galay. Markii uu Jaz’a ku noogay daba oradkiisa ayuu u weecday goballadii kale ee dhulkaasi oo uu wada furtay kuna waajibiyey inay bixiyaan jizyo. Markii uu Hurmuzaan arkay ciriiriga dhulkiisa lagu hayo iyo rafaadka uu kujiro iyo in goballadiisii oo idil ay Islaamka hoostageen buu mar kale ka dalbaday heshiis. Markaa buu Jaz’a bin Mucaawiyah arrintaasi warqad ugu qorey Xurquus bin Zuhayr. Xurquusna Cutbah bin Qazwaan ayuu warqad ugu siiqoray, oo Cutbana Cumar ayuu warqad usii qoray. Kadibna waxaa timid jawaabtii Cumar oo uu kula heshiinayo magaallooyinka Raamahurmuz, Tastur, Jundiisaabuur iyo magaallooyin kale. Waxuuna heshiiskaasi udhacay sidii uu amiirkii Mu’miniinta soo amray.

Duullaankii Dhulka Furus ee Dhanka Badda

Taasu waxay ahayd Calaa bin Al Xadramiyu ayaa waxuu masuul ka ahaa dhulka Baxreen waqtigii khaliifadii Rasuulka SCW ee Siddiiq Allaha ka raalli noqdee. Cumar bin Al Khaddaab baa ka casilay oo masuul uga dhigay Qudaamah bin Madcuun Al Jumaxi. Dabeeto Qudaama buu ka casilay oo markale uu ku celiyey Calaa bin Al Xadramiyu mar kale.

Haddaba markii uu Sacad furtay Qaadisiyah oo jab weynna uu Faarisiinta soo gaarsiiyey buu Calaana jecleystay inuu Faarisiinta uga duulo dhanka badda oo uu kusameeyo siduu Sacad kusameeyay oo kale. Markaa buu dadkii ku booriyey ladagaallanka reer Furus, saa dadkii baladka oo idil wada ajiibeen. Ciidamadiisii ayuu dhisay isagoo dhowr qeybood uqeybiyey. Qeyb waxuu u dhiibay Jaaruud bin Mucallaa si uu madax ugu noqdo, qeybna waxuu udhiibay Al Suwwaar bin Hammaam, qeybta kalena waxuu udhiibay Khuliid bin Mundir bin Saawi, dhammaanna ciidamadaasi oo idil waxuu madax guud uga dhigay Khuliid. Markaa bay ciidamadii Muslimiinta dhaqaaqeen oo baddii abbaareen iyagoo doonaya inay uga gooshaan dhanka Furus. Taasina wax idan ah oo ay amiirkii Mu’miniinta kaga haysteen ma aanay jirin. Dhanka Cumarna aad buu u karhayey arrintaas ah in badda lagu duulo, sidoo kale in ciidamo idin la’aan ay dhaqaaqaan buu iyana aad u dhibsan jiray, waayo Rasuulkii Alle SCW iyo Sidiiqba ma aysan sameynin falkaas iyo in ciidamada Muslimiintu ay badda kuduulaan.

Ciidamadan iyaga ahi waxay kagudbeen Baxreen oo ay ugudbeen dhulka Furus, waxayna ka baxeen magaallada Isdhaqar agteeda. Faarisiintii baa markaa daba martay oo kale dhex gashay iyaga iyo doomahoodii. Markaasuu Khuliid ka dhex istaagay ciidamadii Muslimiinta oo uu dagaalka ku booriyey kana codsaday inay Alle kaalmo weydiistaan oo ay dirirta ka run sheegaan, waxuuna usheegay in doomaha iyo dhulkuba ay yeelan doonaan ciddii adkaato. Waxuuna u dardaarmay sabirka iyo salaadda inay kaalmeystaan, waayo waa labo shey oo kuweyn dadka markalaga reebo kuwa khushuuca. Dhammaan ciidamadii Muslimiinta waxay kuqaabileen waanooyinkii amiirkooda maqal iyo adeecid iyo dhega nuglaan. Markaa buu Khuliid ciidamadii tujiyey salaaddii Duhur. Kadibna waxaa billaawday dagaalkii oo ku dhexmaray goob layiraahdo Dhaawuus. Waxaa halkaasi kudhex maray dagaal aad ukulul, markaasuu Khuliid ciidamadiisii amray inay u jilba dhigaan oo ay dagaallamaan oo ay adkeystaan. Kadibna Alle baa guul ka siiyey cadawgoodii oo waxay ka laayeen tiro aad u badan oo aysan mid lamida horey uga dilin. Markaa bay ciidamadii Muslimiinta damceen inay aaddaan dhanka Basra, hase ahaatee cadawgii ayaa doomahii ka kharraabiyey, jid ay badda umaraanna way garan waayeen. Taa waxaa ka darneyd markii reer Isdhaqar ay dariiqii ka xireen oo ay dhanwalibana ciidamo isaga keeneen oo ay Muslimiintii go’doomin xun galeen. Markii ay arrintaasi gaartay amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab, aad buu uga carooday, waxuuna u cid diray Calaa oo uu ku yiri:” U tag Sacad bin Abii Waqaas”. Markaa buu Cumar warqad u qoray Cutbah bin Qazwaan isagoo la socodsiinayo xaalladaasi qallafsan iyo in ciidamo Muslimiin ahi oo Baxreen kayimid ay dagaallo galeen, misna ay go’doomin darani ku jiraan, waxuuna ka codsaday in uu dadka kubooriyo dagaalka oo uu xaggooda ciidan udiro. Markaasuu Cutbah ka dul istaagay dadkii oo ku dul akhriyey warqaddii amiirka Mu’miniinta. Markaasay iska daba kaceen qaar kamid ah halyeeyadii Muslimiinta oo ay kamid ahaayeen Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas, Caasim bin Camr (Al qacqaac walaalkiis), Curfajah bin Harthamah, Hudayfah bin Muxsin iyo Axnaf bin Qeys iyo rag kaloo aynigooda ah. Waxuu ciidankani ahaa 12 000, dhammaanna waxaa madax looga dhigay Abuu Sabrah bin Abii Raham (oo ay dhashay Nebigu SCW eeddadiis). Markaa bay ciidamadani dhaqaaqeen iyagoo wata baqlo aad utiro badan, si ay dhaqso u tagaan ama u gaaraan halka ay u socdaan. Waxayna qaadeen jidka xeebta, iyagoo ciddii ay lakulmaanba laaynayey oo jebineyey jeer ay markii dambe gaareen goobtii uu dagaalku kudhex maray labada qolo, iyadoo Khuliid iyo ciidamadii Muslimiintu ay go’doomin darani kujiraan, cadawgiina dhan waliba isaga yimid oo ummadihii dhulalkaas oo idil ay ugu habar wacdeen. Gurmadkii cadawga wuu soo taam noqda markaa iyada ahi oo wax aan dagaal ahayni ma uusan dhinneyn. Kadib ciidamadii Abuu Sabrah iyo Faarisiintii baa is helay oo waxaa dhex maray dagaal aad u kulul oo lagu jebiyey Faarisiinta, lagagana dilay khalqi aad ufara badan, oo lagaga qaniimeystay hanti aad u culus mahadda Alle.

Kadib Abuu Sabrah iyo ciidamadiisii waxay u laabteen dhankii Cutbah bin Qazwaan. Markii ay Cutbah u taam noqotay dhul furashooyinkii hareerahaasi, buu ka dalbaday amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab inuu xajka soo guto, markaasuu Cumarna u idmay. Saa Cutbah xajkii buu aaday oo uu mawaasimta kula kulmay Cumar. Waxuuna ka dalbday inuu ka casilo howsha. Hase ahaatee Cumar waa uu diiday. Markii Cutbah ka laabanayey xajka buu Alle baryay oo ka dalbaday inuu usoo dedejiyo la kulankiisa. Markii uu xajka kasoo guddoomay baa asagoo u socda magaalladiisii si uu u guto howshiisii ayuu ku geeriyooday bartama Nakhlah kadib markii uu kasoo laabtay xajka isagoo kusii jeedo dhulka Ciraaq. Markii Cumar ay gaartay geeridii Cutbah buu aad uga murugooday, oo uu kheyr badanna ku amaanay. Kadib waxuu xilkii Basra udhiibay Al Muqiirah bin Shucbah, oo isaguna muddo yar kadib laga casilay sida inoo iman doonto. Muqiirah dabadiina waxuu Cumar Basra masuul uga dhigay Abuu Muusal Ashcari.

Furashadii Tustar Mar Kale iyo Raamhurmuz

Sababtu waxay ahayd Yazdajrid baa mar waliba ku boorinayey reer Furus inay Muslimiinta hor istaagaan oo ay la galaan dagaallo culculus. Markaasuu warqad u qoray reer Ahwaaz iyo reer Furus isagoo ku boorinayo la dagaallanka Muslimiinta. Markaa bay dhaqdhaqaaq sameeyeen oo ay iskula ballameen oo ay isku dhaarsadeen la dagaallanka Muslimiinta iyo inay marka hore aadaan Basra. Arrinta warkaas baa markaa gaartay Cumar bin Al Khaddaab, markaasuu warqad u qoray Sacad bin Abii Waqaas isagoo ku amrayo inuu gobalka Ahwaaz u diro ciidamo uu madax uyahay Nucmaan bin Muqarrin si dhaqso ah si loosoo qabto Hurmuzaan. Waxuu kaloo Cumar soo magacaabay qaar kamid ah halyeeyadii Muslimiinta ee ciidankaasi kamidka ahayd oo ay kamid ahaayeen: Jariir bin C/laahi Al Bujali, Jariir bin C/laahi Al Ximyari, Suweyd bin Muqarrin iyo C/laahi bin Diis-Sahmeyn. Ragganu waxay ahaayeen madaxdii ciidankan ee Cumar uu soo magacaabay, dhammaantooduna waxaa madax u ahaa Nucmaan bin Muqarrin.

Waxuu kaloo markaa Cumar warqad u qoray Abii Muusa Al Ashcari oo Basra masuul ka ahaa isagoo ku amrayo inuu Ahwaaz u diro ciidamo culus oo uu madax uga dhigo Suheyl bin Cadiyi, iyo in ay ciidamadaasi kamid noqdaan halyeeyada kale ah A Baraa bin Maalik, Caasim bin Camr, Majtha’ta bin Thowr, Kacab bin Thowr, Curfajah bin Harthama, Xudeyfah bin Muxsin, C/raxmaan bin Sahal iyo Al Xusayn bin Macbad. Waxuu kaloo soo amray in ciidamada Kuufa kayimid ee uu Nucmaan hoggaaminaya iyo kuwa Basra ka imanaya ee Suhayl bin Cadiyi uu wato markay isu tegaan iyo wixii gurmad oo u yimaadaba uu madax u noqdo Abuu Sabrah bin Abii Raham. Markaa bay ciidamadii Kuufiyiinta ka ambabaxeen magaalladii Kuufa iyagoo kuwii Basriyiinta ahaa uga hor maray magaalladii Raamahurmuz oo uu markaa Hurmuzaan joogay. Markaa buu Hurmuzaan kusoo saaray ciidamadiisii isagoo mar kale jebiyey ballantii uu Musliimnta horey ula galay, waxuuna keenay ciidamo aad u tiro badan. Markaasuu lasoo dhaqaaqay isagoo damacsan in Muslimiinta uu kujebiyo ka hor intaysan soo gaarin ciidamada reer Basra. Isagii iyo Nucmaan baa markaasi kulmeen oo dagaal aad kulul dhex maray, dabeena wuu jabay Hurmuzaan kadib markii laga dilay khalqi aad utiro badan, waxuuna u gudbay magaalladii Tustar isagoo ka cararay Raamahurmuz. Waxay Raamahurmuz usoo gacan gashay Nucmaan bin Muqarrin, kaasoo ahaa amiirkii hoggaaminayay ciidamada Kuufiyiinta, markaasi buuna aruurshay wixii uu ka helay oo hanti iyo hubbo ah.

Markii uu gaaray ciidamadii reer Basra warkaas iyo wixii ay Kuufiyiinta kusameeyeen Hurmuzaan iyo inuu u cararay magaallada Tustar bay iyagiina si toos ah u aadeen dhanka Tustar oo ay ka daba tegeen ciidamadii Kuufiyiinta ee iyagu raacdeysanayey Majuustii Hurmuzaan uu watay ee firxatay. Markii ay tageenna go’doomin bay kuwada qabteen, dhammaantooduna waxaa madax u noqday Abuu Sabrah bin Abii Raham siduuba amiirkii Mu’miniinta horey usoo amray. Waxay magaalladii gaareen Hurmuzaan oo ciidamo aad u faro badan soo aruuriyey, markaasuu Abuu Sabrah warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab isagoo gurmad ka dalbanayo. Markaasuu Cumar warqad u qoray Abuu Muusa Al Ashcari isagoo ku amrayo inuu naf ahaantiisa aado Tustar, suu xaggeedii aaday waxuuna madax u noqday dhammaan ciidamadii ka yimid Basra ee ahaa kuwii uu horey u watay Suhayl bin Cadiyi iyo kuwa uu isagu gurmad ahaan u layimid, guud ahaanna ciidankoo dhami Abuu Sahbrah baa kor madax uga ahaa siduuba horey usoo amray Cumar. Go’doomin aad u adag ayay ku sameeyeen ciidamadii Muslimiinta magaalladaasi Tustar. Dhowr mar ayayna isu soo baxeen oo dagaallo aad u kululi ay dhex mareen.

Al Baraa bin Maalik dagaalkani wuxuu ku dilay 100 nin mubaarizo ah, sidoo kale waxaa dagaalkan 100 nin mubaarizo ku dilay Kacab bin Thowr, Majtha’ata bin Thowr iyo Abuu Yamaamah iyo rag kaloo lamid ah oo ka tirsan ciidamadii Basriyiinta ee Basra kayimid.

Sidoo kale waxaa dagaalladan iyana wacdaro muujiyey oo min boqol nin kudilay mubaarizo qaar kamid ah ciidamdii Kuufiyiinta ee Kuufa ka yimid sida Xabiib bin Qirrah, Ribciyu Ibnu Caamir iyo Caamir bin Cabdul-Aswad. Markii ay xaaladdii darraatay oo Muslimiintiina waqtigu ku dheeraaday bay utageen Al Baraa bin Maalik oo saxaabi Jaliil ah oo ducadiisu la aqbalo ahaa, waxayna ku yiraahdeen:” Baraa’oow! inoo bari Rabbigaa si uu cadawgu inoogu jebiyo”.

Markaasuu Al Baraa yiri:” Alloow!! jebi cadawga, oo (aniguna) shahaado igu sii”.

Halkii bay Muslimiintii cadawgii ku jebiyeen Al Baraana uu ku shahiiday. Markii Muslimiintii ay jebiyeen Mushrikiinta bay orad ku galeen qalcadahoodii iyo dhufeysyadoodii, markaasay iyana ka daba tegeen oo ay ku laayeen. Markaa bay Mushrikiintii ku ciriiri noqotay magaalladii oo meel ay nafta la aadaan garan waayeen. Dabeeta nin kamid ah dadkii baladka baa Abuu Muusal Ashcari ka dalbaday magan galyo oo u yimid, suu isagiina magan galiyey. Ninkii waxuu ka codsaday Abuu Muusa Al Ashcari inuu ku daro rag aad uyaqaanno dabaasho oo maskax fiicanna leh si uu u tusiyo jid ay uga gudbaan derbiga Tustar si ay magaallada ugalaan. Markaasuu Abuu Muusal Ashcari ku daray rag karmeedyo halyeeyo ah oo uu kamid ahaa Majtha’ta bin Thowr. Ninkii inta kaxeeyay raggii ayuu mariyey waddo hoos marto dhulka oo tog biyo leh ah. Waqtiguna waxuu ahaa goor habeen ah, markaasay raggii Muslimiinta ahaa sidii ku goosheen biyahii iyagoo dabaal ku gudbayo, markaasay magaalladii galeen. Waxaa la yiraahdaa qofkii ugu horeeyay ee galo magaallada waxuu ahaa C/laahi bin Muqaffal dhanka Muslimiinta. Waxay yimideen albaabadii kadib markay toggii soo gudbeen, oo ay arkeen waardiyaashii oo ay laayeen, markaasay albaabadii fureen iyagoo takbiirsanayo yacni leh:- ALLAAHU AKBAR. Oo ay soo galeen. Ammintaasi iyada ah ee ay magaalladu galeen waxay ahayd goor salaaddii fajar ah, mana aysan tukan salaaddii fajar jeer ay cadceeddii kasoo baxday sida uu xusay iimaam Al Bukhaari oo uu kasoo weriyay Anas bin Maalik oo yiri:” Waxaan goob joog ahaa furashadii Tustar, waxayna ahayd goor salaaddii fajar ah. Markaasay dadkii ku mashquuleen furashada oo maysan tukan jeer ay cadceeddii kasoo baxday, mana ka jecli salaaddaas inay ii ahaadaan (baddalkeeda) geela kiisa cas cas”.

Hurmuzaan markii laga furtay dhulkiisa waxuu orad ku galay qalcaddiisii, markaasay sii raacdeysteen qaar kamid ah jamaacaddii iyo halyeeyadii geesiyaasha ee Muslimiinta. Markiina ay dul tegeen oo ay hor istaageen qalcaddiisii oo aysan u harin wax aanan ka ahayn in la is daro, buu Hurmuzaan yiri kadib markii uu dilay Al Baraa bin Maalik iyo Majtha’ata bin Thowr:” Waxaan haystaa jacbad ay ku jiraan boqol gamuun, mana jiro axad idinka mid ah oo xaggeyga usoo dhaqaaqi karo illaa hadday dhacdo waxaan ku gamayaa gamuun oo aan ku dilayaa. Mana iga dhacayo gammuun illaa waxuu ku dhacayaa qof idinkamid ah. Haddaba maxay markaa idiin tareysaa inaad i qafaalataan bacdamaa aan idinka dilay 100 nin? Waxay yiraahdeen:” Haddaba maxaad dooneysaa?

Waxuu yiri:” Waa inaad i magan gelisaan jeer aan gacanteyda idiin soo dhiibo, dabeetana waxaad ii direysaan Cumar bin Al Khaddaab si uu isaga iigu xukmiyo wixii uu doono”.

Markaa bay saxaabadii ka yeeleen oo uu isagiina iska dhigay gamuunkii iyo qaansadii oo ay qabteen qafaal ahaan. Dabeetana horey ayay usii kaxaysteen.

Waxay Muslimiintii dhulkani ka heleen hanti tiro badan iyo hub aad u culus. Markii khumuskii laga saaray kadib ayaana Muslimiintii loo qeybiyey.

Qofkii faras watay waxuu helay 3 000, halka kii lugtana uu helay 1000.

Furashadii Suus & Jundiisaabuur

Kadib buu Abuu Sabrah bin Abii Raham kaxaystay qaar kamid ah ciidankii oo ay lasocdaan Abuu Muusal Ashcari iyo Nucmaan bin Muqarrin iyo qaar kamid ah madaxdii ciidanka. Hurmuzaanna horey ayay usii kaxaysteen waxayna daba galeen raadka Faarisiintii jabtay oo ay eryanayeen jeer ay dul dageen Suus oo ahayd magaallo ku taallay dhulka Khowzistaan oo ay isweer ku sameeyeen. Markaa buu Abuu Sabrah warqad udiray dhankii Cumar asagoo la socodsiinaya arrinka, dabeetana waxaa timid jawaabtii Cumar uu ku amraya in Zir bin C/llaahi bin Kuleyb Al Fuqeyhiyu (waxaa kaloo la yiraahdaa Al Caqiimiy) oo saxaabi jaliil ahaa loo diro dhanka Jundiisaabuur. Kadib Abuu Sabrah waxuu diray khumuskii qaniimada iyo Hurmuzaan oo uu usii dhiibay Anas bin Maalik iyo Axnaf bin Qeys.

Markay u dhawaadeen magaalladii Madiina bay dajiyeen oo ay u xireen dharkiisii hore ee uu xiran jiray oo ka sameysnaa jowharad, diibaaj, yaaquut iyo dahab. Markaa bay galeen magaalladii oo ay ku hor mareen gurigii amiirka Mu’miniinta oo ay ahlu beydkiisa weydiiyeen. Waxaana loo sheegay inuu aaday masjidka sabab la xiriirta inuu ku qaabilo wafdi uga imanaya magaallada Kuufa. Markaasay aadeen Masjidkii hase aheetee cidna kamaysan helin. Dabeetana way soo laabteen, misna waxay arkeen carruur yaryar oo ku cayaareyso masjidka debeddiisa oo ay waydiiyeen Cumar. Waxay carruurtii usheegeen in Cumar uu jiifo masjidka isagoo huwan go’iisa. Markii ay masjidka soo galeen waxay arkeen isagoo jiifo oo huwan go’iisa. Hurmuzaan markii uu arkay ayuu dadkii su’aalay:” Oo meeyay Cumar?

Waxay ku yiraahdeen:” Waakan”

Dadkii baa markaa waxay gudo galeen inay codkooda hoos u dhigaan si aysan amiirka Mu’miniinta u toosinin.

Markaasuu Hurmuzaanna gudo galay inuu yiraahdo:” Oo aaway ilaaladiisii? Aaway waardiyaashiisi?

Waxay yiraahdeen:” Malahan wax ilaaliyaal ah iyo waardiyo toona, mana lahan wax kaatib iyo diiwaan ah toona”.

Waxuu yiri:” Way usuurowdaa inuu noqda Nebi”.

Waxay yiraahdeen:” Bal ee waxuu falaa camal Nebi”.

Dadkii baa iska soo daba batay markaasuu Cumar toosay, oo uu si saani ah fadhiga u haggaagsaday, dabeetana eegay dhanka Hurmuzaan. Markaasuu yiri:” Oo ma Hurmuzaan baa?

Waxay yiraahdeen:” Haa”.

Markaasuu indhaha ka buuxsaday isaga iyo wixii dhar uu sitay, markaasuu yiri:” Acuudu billaah.. Allaanu kamagan galayaa naar, oo Alle ayaan kaalmo weydiisanayaa”.

Kadib waxuu yiri:” Mahad idilkeed waxaa iska leh Allihii Islaamka ku dulleeyay kan iyo wixii aynigiisa ah. Kulanka Muslimiintoow! qabsada diintan oo ka hanuun dalba hanuunkii Nebigiinna, oo yaysan idinla tegin adduunyo waa kado’e”.

Wafdigii baa markaa waxay Cumar ku yiraahden:” Kani waa Hurmuzaan boqorkii Ahwaaz ee la hadal”.

Waxuu yiri:” Mayo, jeer uu soo dhigo waxa xulliyad (dhar qurxan iyo dhaldhalal ah) ee dushiisa saaran”.

Markaa bay kaxeeyeen oo ay kasoo dhigeen, waxayna usoo xireen dhar suuf ah. Markaasuu Cumar yiri:” Sidee baad u aragtaa ballan ka bixii iyo ciribta amarka Alle?

Waxuu yiri:” Cumaroow! berigii jaahilliyada Alle baa dhaxdayada isku keenna deyn jiray, markaasanu idinka adkaan jirnay markii uusan miciinna iyo maceennu toona ahayn. Markuu uu maciinna noqday baad naga adkaateen”.

Waxuu Cumar yiri:” Waxaad nooga adkaan jirteen isu teggyadiinnii iyo kala tegsanaantayadii. Misna waxuu yiri:” Maxaad u haysataa oo cududdaar ah ballankabaxaadii mar iyo mar kadib ahaa?

Waxuu yiri:” Waxaan ka cabsanayaa inaad idisho ka hor intaanan kuu warramin”.

Waxuu yiri:” Haka cabsan taasi”.

Markaasuu dalbaday in biyo loo keeno, saa waxaa loogu keenay weel godan. Markaasuu yiri:” Haddii aan oon udhimanayana ma awoodo inaan kan wax ku cabbo”. Misna weel kale oo uu ka raalli yahay ayaa loogu keenay. Markii uu biyihii qaatay bay gacmihii jareeyeen, waxuuna yiri:” Waxaan ka cabsi qabaa in la idilo anigoo biyaha cabbayo”.

Waxuu Cumar yiri:” Waxbo dhiba dushaadu maanay ahaanin jeer aad ka cabto”.

Waxuu kaloo Cumar yiri:” Ugu soo celiyo biyaha oo ha isugu darina dil iyo oone”.

Waxuu yiri:” Wax dan oo aan biyo ka leeyahay majirto, kaliya waxaan doonayey inaan magan galo”.

Waxuu yiri:” Waan ku dili”.

Waxuu yiri:” Waad imagan gelisay”.

Waxuu yiri:” Been baad sheegtay”.

Markaasuu Anas hadlay oo yiri:” Run buu sheegay amiirkii Mu’miniintoow!”.

Waxuu yiri Cumar:” Hooge! Anasoow! ma anigaa magan gelinayo qof dilay Al Baraa iyo Majtha’ata? Waxaad ii keeni doontaa jid looga baxo arrinkaas (yacni xujo cad waxa aad tiri) ama waan ku ciqaabi doonaa”.

Waxuu yiri Anas:” Waxaad ku tiri:” Wax dhiba dushaadu maanay ahaan jeer aad iiga warranto. Waxaad kaloo tiri:” Wax dhiba dushaadu maanay ahaan jeer aad kacabto”.

Markaa bay dadkii meesha joogayna sidaa si lamid ah ku yiraahdeen”.

Markaa buu Cumar dhankii Hurmuzaan u jeestay oo uu ku yiri:” Waad i qayaantay, igamana fakaneysid jeer aad Islaamtid”. Markaasuu Islaamay, waxuuna Cumar u qoray 2 000 oo lacag ah, waxuuna dejiyey magaalladii Madiina.

Waxaa la yiraahdaa:” Turjumaankii u kala turjumayey Cumar iyo Hurmuzaan waxuu ahaa Muqiirah bin Shucbah. Mar kalase waxaa u kala turjumay Zayd bin Thaabit Allaha ka raalli noqdee.

Intaa kadib Cumar bin Al Khaddaab waxuu aad u necbaa ama uu kasoo hor jeeday inay Muslimiintu kusii fogaadaan dhulalka cajamta ah ee aysan awoodin inay wado maamulaan. Hase ahaatee Axnaf bin Qeys baa u tilmaamay in boqortooyadii Furus ay jirto oo aysan ka suuleynin inay weerarro iyo dagaallo kusoo qaaddo Muslimiinta oo ay damaacida dhulalka ay Muslimiinta haystaan. Markaa bay arrintaasi Cumar aad ugu qurxanaatay oo uu u riyaaqay, waxuuna go’aansaday in dhulalka Furus oo idil lawada furto.

Aanu u laabanno furashadii Suus iyo Jundiisaabuur..

Abuu Sabrah bin Abuu Raham iyo ciidamadiisii markii ay ka faaruqeen Tustar waxay aadeen dhanka Suus sidaynu horeyba usoo xusnay, waxayna dul dageen Suus oo ay isweer ku qabteen. Kadib waxaa dhex maray dhowr dagaal oo labada dhinacba looga dilay dad aad utiro badan waqtigiina wuu ku dheeraaday. Markaasay ashraaftii baladkaasi la hadleen Muslimiintii oo ay ku yiraahdeen:” Kulanka Muslimiintoow! ha sii raacina inaad isweer kusii haysaan dhulkaan, waayo waxaanu raad haynaa sida aan ka soo werinnay dadkayagii hore ee dhulkan in dhulkani aysan furan doonin cid aanan ahayn Dijaal ama ciidan uu Dijaal la socdo”.

Waxay Culamaayi siirah isku waafaqeen in ciidamadaasi Muslimiinta ah uu la socday Saaf bin Sayaad. Markaasuu Abii Muusal Ashcari kusoo daray dadkii xisaarka ku hayey meeshan, markaasuu Saaf inta yimid albaabkii baladka ayuu lugta ku gargaraacay, dabeetana qufulladii baa jajabeen oo silsiladihiina way daateen. Markaasay Muslimiintii galeen baladkii oo ay laayeen wixii ay helaanba jeer ay dadkii meesha deganaa ku dhawaaqeen magangalyo, oo ay dalbadeen heshiis oo ay Muslimiintiina markaa ka yeeleen. Suus waxaa masuul ka ahaa Shahrayaar oo la dhashay Hurmuzaan. Waxuuna dhulkaasi ahaa dhul aad u taariikh fog. Waxaaba la sheegaa inuu ahaa baladkii ugu horreeyay ee arlada la dhigo, wallaahu aclam.

Sida uu Ibnu Jariir xusay waxaa meeshaasi laga helay qabrigii Daanyeel. Markii uu Abuu Muusa iyo Abuu Sabrah yimideen Suus, buu Abuu Sabrah usii gudbay Jundisaabuur, Suusna waxuu kusii dhaafay Abuu Muusal Ashcari, markaasay ka heleen qabrigii Daanyeel CS. Waxaa la sheegaa qofkii ugu horeeyay ee arko qabrigaasi inuu ahaa Xurquus, markaa buuna Abii Muusa warqad u qoray Cumar bin Khaddaab isagoo xaallada la socodsiinayo. Cumarna waxuu soo amray in la qodo dhowr iyo toban qabri oo mid kamid ah goor habeen ah lagu aaso si aysan dadka u ogaanin halka lagu aasay. Sidii ayuuna Abii Muusal Ashcari sameeyay oo lagu aasay Daanyeel CS.

Daanyeel waxuu ahaa Nebi kamid ahaa Nebiyadii reer banii Israa’iil. Waxuuna Rabbi ka baryey inay aasto ummadda umadaha ugu kheyr badan waa ummadda Nebi Muxammede SCW. Taariikhdiisa oo kaamil ah waxaa laga akhrisan karaa kutubbada Qisooyinka Nebiyada, sida kitaabka Ibnu Kathiir ee qisooyinkii Nebiyada.

Magaalladii Jundisaabuurna waala furtay waxaana furtay Zir bin C/llaahi bin Kuleyb, dhulkaasi oo idilna waxuu hoos yimid Islaamka iyo ehelkiisa. Iyadoo Yazdajridna uu kujiro carar iyo fiig oo magaalooyinka dhulka Furus uu midbo mid kaga sii gudbayo illaa uu aakhirkii tegay magaallada Asbahaan oo uu salka dhigtay.

Qaar kamid ah ashraaftii dadkiisa oo lasocday ayaa kasoo laabteen kadib markii ay arkeen in la furtay Tustar, waxaana ay dhamaayeen 3000 oo uu madax u ahaa nin la oran jiray Siyaah. Ragani waxay ku jireen fiig iyo carar iyagoo la socday boqorkoodii Yazdajrid jeer markii dambe Muslimiintii ay furteen magaalooyinka Isdhakhar iyo Tustar. Markaas buu Islaamku galay qalbiga Siyaah oo uu asxaabtiisa u ishaaray inaysan jirin cid hor istaagi karto nimankan Muslimiinta ah, waxa ay kusocdaanna uu yahay wax xaq ah oo aanan baadil ahayn. Markaasay raggiisii oo idil ku ayideen fikirkiisa. Dabeeta waxaa loo diray Camaar bin Yaasir si uu xagga Alle ugu yeero kadib markay Muslimiintu maqleen arrinkooda, dhammaantooduna way Islaameen. Kadib Abii Muusal Ashcari ayay warqad u direen, taasoo ay Islaamnimadooda kula socodsiinayaan, markaasuu Abuu Muusana warqad u qoray Cumar isagoo u sheegayo Islaamnimadooda. Kadib waxuu Cumar soo amray in loo qoro min 2000 oo Dirham. Lix iyaga kamid ahina waxuu uqoray 2500 Dirham in la siiyo.

Waxaa sanadkan dadka xajiyey amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab Allaha ka raalli noqdee, madaxdii goballaduna waxay ahaayeen sidii sanadkii hore marka laga reebo Basra oo Abii Muusal Ashcari uu sanadkan Masuul ka ahaa kadib markii laga casilay Muqiirah bin Shucbah.

SANADKII 18AAD

Waxaa jira aqwaal aad u faro badan oo ay culimadu qaarkood ka yiraahdeen dhacdooyinka sanadkan.

Qaarkood waxay xuseen dhacdooyin aan kusoo xusnay sanadkii hore inay dhaceen sanadkan, qaar kalena dhacdooyin inoogu iman doono sanadka 19aad ee hijiriga ayay sheegeen inay iyaguna dhaceen sanadkan. Aqwaashaasi oo idil waxaan doorbidnay sida rajaxsan inaynu ka qaadanno hadduu Alle idmo. Sidaa darteed baanan markaa usoo qaadan doonin dhacdooyin ama dagaallo ka dhacay dhulalka Furus iyo Shaam sanadkan, maadaama aan badi soo sheegnay inay dhaceen sanadkii 17aad ee kan ka horeeyay sidoo kalena aan sheegi doonno sanadka 19aad ee kan ka dambeeyo inagoo tixraaceyno aqwaasha rajaxsan hadduu Alle idmo.

Waa sidaase waxaa sanadkan dhulka Xijaas ka dhacay abaartii loo yaqiinnay. .

Abaartii Rammaadah

Waxay ahayd abaar aad iyo aad u saameysay carrigii Xijaas, waxayna ka jirtay muddo 9 bilood ah oo ay samadii noqotay qiiq madoow oo laga waayey wax roob ah. Sababta magacan Rammaadah loogu magac daray ayaa ah sidaa darteeda yacni in samadii ay madoobaato oo ay noqoto sida qiiq oo kale.

Qabaa’ilkii deganaa hareeraha magaallada Madiina dhammaantood waxay soo wada galeen magaallada oo ay naf kasoo dooneen, markaasuu Cumarna u qeybiyey wixii hanti ahaa ee beytul maalka yaallay illaa uu beytul maalkii dhammaaday. Naf ahaantiisu Cumar wuxuu iska xarrimay inuu cuno wax dufan leh jeer uu Alle ka qaado Muslimiinta abaartaas. Horey waxuu cuni jiray kibis iyo saliid, hase ahaatee markii la gaaray abaartan Rammaadah waxuu go’aansaday inuusanba cunin wax dufan leh, waxuuna cuni jiray oo quud u ahayd kibis angagan iyo milix isagoon weliba ka dhargi jirin. Waxuuna gaaray heer midibkiisii uu madoobaaday oo jirkiisii baddelmay illaa looga yaabay itaal darri.

Heerkii ay abaartu gaadhay darteed waxuushtii baa soo muhatay dadkii magaallada deganaa. Waxaa dhacaday iyadoo abaartan lagu jiro in nin uu qashay neef ari ah oo u joogay, hase ahaatee waxaa fajaciso kunoqotay markii uu neefkii ka waayeey wax dhiig iyo dhecaan toona ah. Waxuuna arkay neefkii oo lafo gaduudan oo kaliya ah.

Habeen habeennada kamid ah iyadoo lagu jiro abaartan Rammaada buu Cumar ku wareegay magaalladii Madiina sidii horeyba caadada ugu ahayd si uu u ogaado raciyadiisa iyo xaaladda ay kusuganyahiin. Waxuu arki waayey qof qosalaya iyo dad kusheekeysanayo guryahooda sidii caadada u ahaan jirtay. Ma uusanna arag qof qof kale wax su’aalayo, ama labo isla hadleysa. Markaasuu dadka wax ka weydiiyey arrintaasi. Waxaana lagu yiri:” Ammiirkii Mu’miniintoow! Su’aashu way waydiiyeen, markaasay dadka waxba helin, say iska daayeen su’aasha, dadkuna waxay kusuganyahiin hammi iyo ciriiri oo ma awoodi karayaan inay sheekeystaan oo ay qoslaan”.

Intaa kadib Bilaal bin Al Xaarith Al Muzani baa Cumar u yimid oo ka idin dalbaday dabeetana waxuu usheegay inuu yahay ergaygii Rasuulka Alle SCW, waxuuna ku yiri:” Rasuulku SCW waxuu ku leeyahay:” Waxaan kugula ballamay kiis, maadanna gaarin arrintaas ee maxaa ku helay?

Waxuu yiri Cumar:” Oo goormaad aragtay Rasuulku SCW?

Waxuu yiri:” Xalay (riyo ahaan)”

Markaa buu Cumar dadkii u khudbeeyay oo arrintii usheegay. Kadibna waxuu warqad u qoray Abii Muusa Al Ashcari oo Basra masuul ka ahaa isagoo ku amraya in ummadda Nebi Muxammed SCW la badbaadiyo. Sidoo kale sidaasi si lamid ah ayuu Camr bin Al Caasna warqad u qoray. Markaasay labaduba soo direen raashiin aad u tiro badan.

Hantidii iyo safarkii uu Camr bin Al Caas soo diray waxay kasoo gudubtay badda oo ay kasoo degtay Jiddah, dabeetana waxay ugudubtay Makka oo misna Madiina ay uga sii gudubtay. Tanna waa aathaar sixadeedu iyo senedkeedub aad usuganyahay.

Culimadi badankoodi waxay qabaan in Masar la furtay sanadkii 20aad ee Hijriyada. Caamu Ramaadana waxay dhacday baala yiraahdaa 18kii hijiriyada. Marka sidee la isku waafajinayaa Caamu Ramaadah oo dhacday sanadkii 18aad iyo Masar oo la furtay sanadkii 20aad ee Hijriyada inuu Camr bin Al Caas kasoo diro raashin iyo awr?

Abuu Macshar, Waaqidiyu iyo Ibnu Isxaaq waxay xuseen in Masar la furtay 20kii Hijriyada. Seyf bin Cumarna waxuu yiri:” Masar iyo Alaskandariya waxaa la furtay sanadkii 16aad ee Hijriyada bishii Rabiicul Awal. Sidaasi waxaa rajaxay Abul Xasan ibnu Athiir oo ku xusay kitaabka Al Kaamil. Waxuuna ku rajaxay qisadan oo uu usoo qaatay. Wallaahu aclam. Gadaal ayaanse ka xusi doonnaa furashii Masar hadduu Alle idmo.

Kadib waxaa magaalladii Madiina yimid Abuu Cubeydah bin Jarraax oo sida 4000 oo rakuub oo raashiin ah, markaasuu Cumar amray in la dajiyo oo loo qeybiyo qabaa’ilka dego Madiina iyo hareeraheeda. Kadib buu Cumar amray in Abuu Cubeydah beytul maalka laga siiyo 4000 oo Dirham, hase ahaatee wuu diiday inuu qaato, dabeetana Cumar ayaa ku qasbay jeer uu markii dambe aqblay.

Intaa kadib Cumar waxuu kaxeeyay dadkii oo dhan oo uu roob doonay isagoo kutawasulayo Nebiga SCW adeerkiis Cabbaas. Kadibna samadii baa roobeysay oo raxmad Alle baa soo degtay abaartii Rammaadana sidaa ayaa looga baxay kadib markii lagu jiray muddo sagaal bilood ah. Falillaahil xamdu wal manna.

Daacuunkii Camwaas

Daacuunkani lamagac baxay Camwaas waa daacuun ka dhacay dhulka Shaam oo ay kugeeriyoodeen khalqi aad u tiro badan oo lagu sheegay 25 000 oo qofood. Waxaa daacuunkan loogu magac daray qaryo yar oo la oran jiray Camwaas oo ku tiillay dhulka Shaam oo u dhaxayso Qudus iyo Ramallah, waana halkii ugu horeysay ee uu ka dallaaco.

Sida uu Seyf bin Cumar kasoo weriyey Shuyuukhdiisa: Daacuunkan Camwaas waxuu dhacay labo jeer oo uu u dhacay si aanan weligeed horey loo arag, wuuna raagay oo uu laayey khalqi aad u tiro badan. Markaasay cadawgii soo damaaciyeen (inay Muslimiinta kusoo duulaan), quluubtii Muslimiintuna taasi waxay kureebtay cabsi aad u daran.

Sanadkii 17aad dhammadkiisa ayuu daacuunkani ka qarxay Shaam, hase ahaatee isla sanadkas dhammadkiisiiba wuu dhammaaday sida ay qaar kamid ah Mu’arrikhiinta siirada xusaan. Sidaa darteed buu Cumar gabagabadii daacuunkan u aaday Shaam isagoo ay la socdaan rag karmeedyadii saxaabada Nebiga SCW, si uu ugu qeybiyo dhaxalka dadkii ay ehelladooda ka dhinteen, oo madaxduna uu ulasoo kulmo oo ciidamada Muslimiintuna quluubta ugu soo dhiso cadawguna rucbi iyo ar gagax ugu dhaco..

Markii uu gaaray Shaam buu la kulmay qaar kamid ah madaxdii ciidamada Muslimiinta oo ay kamid ahaayeen Abuu Cubeydah iyo Yaziid iyo rag kale oo badan. Qaar kamid ah saxaabadii akhyaarta ahayd baa Cumar kula talisay inuusan dhulka daacuunka ka dallaacay ee Shaam uusan gelinin saxaabadii Nebiga SCW. Markaa buu Cumar amray in la laabto.

Markiina uu damcay Cumar inuu laabto ayuu Abuu Cubeydah ku yiri Cumar:” Oo ma waxaad ka carareysaa qadarta Alle?

Waxuu yiri:” Haah!, waxaan ka cararayaa qadarta Alle oo aan u cararayaa qadarta Alle. Bal ka warran haddii aad xoolahaadu keentid tog dhinacna ka angagan dhinacna leh naq iyo daaq wanaagsan, haddii aad dhanka daaqa wanaagsan daajiso waxaad ku daajiday qadarta Alle, haddii aad dhanka angagan daajisana waxaad ku daajiday qadarta Alle” C/raxmaan bin Cowf oo meesha markaa howlo gaar ah kaga maqnaa ayaa yimid oo markii uu maqlay arrintaasi yiri:” Arrintaasi agteyda waxaa ka yaal cilmi, waxaan maqlay Rasuulka Alle SCW oo leh:” Haddii aad maqashaan dhul uu ka dhacay (daacuunka) ha gelina. Haddii uu ka dhaco dhul aad kusugantahiina ha ka bixina adinkoo ka cararaya”. Markaa buu Cumar aad ugu farxay iswaafaqidda ra’yigiisii iyo hadalkii Rasuulka SCW.

Misna mar kale ayuu daacuunku isagoo aan si saani ah u dhamaanin sanadkan dhexdiisa si daran u dillaacay, waana markii ay ku geeriyoodeen Abuu Cubeydah bin Al Jarraax iyo rag kale oo badan oo kamid ah saadaaddii Muslimiinta.

Markii xanuunkani uu darnaaday oo arrintaasi ay gaartay Cumar bin Khaddab, buu warqad u qoray Abuu Cubeydah bin Al Jarraax isagoo doonayo inuu ka soo saaro meesha, waayo Abuu Cubeydah martabad aad u sarreyso ayuu Islaamka u joogay, waxuuna Cumar yiri:” Nabadi ha ahaato dushaada, intaa dabadeed arrin baa igala soo kaa gudboonaatay oo danbaan kaa leeyahay. Waxaana doonayaa inaad iga shaafido oo aan kaala hadlo ee haddii ay warqaddeydan kuu timaaddo ha ka dhigin gacantaada jeer aad xaggeyga usoo boqaasho”.

Markii ay Abuu Cubaydah warqaddaasi u tegtay waxuu gartay ulajeedada Cumar iyo inuu doonayo inuu ka dhex saaro xanuunka. Markaasuu yiri:” Allaha u dembi dhaafo amiirka Mu’miniinta”. Kadibna warqad ayuu u qoray isagoo ku oranayo:” Amiirkii Mu’miniintoow! waan gartay danta aad iga leedahay, waxaana ku dhex jiraa ciidamadii Muslimiinta oo aanan ka tegi karin, mana doonayo inaan ka tego jeer uu Alle aniga iyo iyaguba arrinkiisa nagu xukmiyo ee iga daa go’aankaada amiirkii Mu’miniintoow! oo ii daa ciidankeyga (inaan dhex joogo). Markii ay warqaddii Abuu Cubeydah gaartay Cumar oo uu akhristay buu ooyey, markaasay dadkii ku yiraahdeen:- Amiirkii Mu’miniintoow! ma Abuu Cubeydah baa geeriyooday?

Waxuu ku yiri:- Mayee waxaad mooddaa inuu u dhawaaday.

Kadib warqad ayuu u qorey isagoo ku oranayo:- Nabadi ha ahaato dushaada. Intaa kadib, dadkii waxaad dejisay dhul aanan wanaagsaneen,ee u raadi dhul wanaagsan oo dhaama kaas.

Waxuu yiri Abuu Muusal Ashcari:” Markii warqaddu u timid Abuu Cubeydah buu iiyeeray oo uu igu yiri:- Abuu Muusoow! waa tan warqaddii amiirka Mu’miniinta oo ii timid sida aad u jeeddo, ee orodoo u sahmi dadka dhul ay degaan si aan kuula raro”. Markaasaan laabtay oo aan gurigeygii aaday, saa waxaan u tegay xaaskeygii oo geeriyootay. Markaasaan xaggiisii ku laabtay oo aan ku iri:” Illaah ban ku dhaartaye reerkeygii bay arrini lasoo gudboonaatay”.

Waxuu yiri:” Waxay udhowdahay inay xaaskaadii geeriyootay?

Markaasaan ku dhahay:” Haah!”.

Markaasuu dalbaday in awrkiisa loo diyaariyo. Markii uu lugta dul saaray si uu u fuulo baa isagiina la asiibay. Markaasuu yiri:” Illaah baan ku dhaartaye waala i asiibay”.

Waxaa la yiraahdaa:- Markii uu xanuunkii ku darraaday buu Abuu Cubeydah dadkii ka dhex kacay oo u khudbeeyay waxuuna yiri:” Dadoow! xanuunka kan waa raxmadda Rabbigiina iyo ducadii Nebigiina SCW iyo geeridii dadkii suubanaa ee idinka horreeyay, Abuu Cubeydana wuxuu weydiisanayaa Allaah in uu Abuu Cubeydah kasiiyo saamigiisa”. Markaasuu xanuunkii duray oo uu dhintay Allaha u naxariisto’e.

Masuuliyaddii Shaam wuxuu ku dhaafay Mucaad bin Jabal. Markaasuu Mucaadna dadkii ka dhex kacay oo uu ugu khudbeeyey sidii Abuu Cubeydah oo kale waxuuna yiri:” Mucaadna waxuu Allaah weydiisanayaa inuu reer Mucaad ka siiyo saamigooda”. Markaasaa la asiibay wiilkiisa C/raxmaan. Misna mar kale buu khudbeeyay oo uu yiri:” Mucaadna waxuu Allaah weeydiisanayaa inuu saamigiisa kasiiyo”. Markaasaa isagiina la asiibay oo uu geeriyooday. Masuuliyaddii Shaamna wuxuu Mucaad kusii dhaafay Camr bin Al Caas bin Waa’il.

Daacuunkani waxaa ku geeriyooday khalqi aad u tiro badan oo saadaaddii saxaabada kamid ah. Waxaa ku geeriyooday qaar kamid ah madaxdii goballada Shaam, sida Abuu Cubeydah oo ahaa amiirkii guud ee Shaam, Yaziid bin Abii Sufyaan oo Dimishiq masuul ka ahaa, Mucaad bin Jabal oo isaguna kamid ahaa madaxdii Shaam iyo Fadal bin Cabbaas iyo qaar kale.

Fa innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun.

Markii ay Abuu Cubeydah iyo Yaziid geeriyoodeen buu Cumar booskii Yaziid masuul uga dhigay walaalkiis Mucaawiyah bin Abii Sufyaan oo isagu madax ka ahaa illaa waa dambe.

Sanadkan dhexdiisa buu sida uu Al Waaqidi xusay Cumar u dhiibay qaaddinnimadii Kuufa Shureyx Al Qaadi, Basrana waxuu u dhiibay Kacab bin Suur. Waxaana sanadkani dadka xajiyey Cumar bin Al Khaddaab, masuuliyiintiisii goballaduna waxay ahaayeen sidii sanadkii hore, marka laga reebo Dimashiq.

SANADKII 19AAD

Al-Waaqidi iyo rag kaloo eynigiisa ah waxay yiraahdeen:- Sanadkan baala furtay Madaa’in, Jolowlaa iyo Xulwaan. Hase ahaatee sida rajaxsan horey ayaanu usoo xusnay in waqtigaan ka hor la furtay, falillaahil Xamdu.

Muxammed bin Isxaaq wuxuu yiri:- Furashadii Jaziiradda iyo Ruha, Xowraan, Ra’su Caynul wardah iyo Nusaybiin waxay ahayd sanadkan. Hase ahaatee jamaaca badan baa ku khilaaftay sidaasi, waxaanna soo xusnay in Jaziiradda la furtay sanadkan waqti ka horeeyay oo sidaas ayaana rajaxsan. Wallaahu Aclam.

Abuu Macshar, Khaliifah iyo Ibnu Kalbi waxay yiraahdeen:- Furashadii Qeysaariyah waxay ahayd sanadkan, waxaana amiir ka ahaa Mucaawiyah. Waxaa kaloo la sheegaa inuu amiir ka ahaa Yaziid, hase ahaatee horey ayaan usoo xusnay inuu Mucaawiyah furtay sanadkan ka hor labo sano. Wallaahu aclam.

Majirto dhacdo aan sanadkan soo qaadan karno aan ka ahayn aqwaasha culimada siirada sida ay ka yiraahdeen, waayo dhacdooyinkii aan sanadkan kusoo qaadan lahayn sida ay culimadaasi qaarkood kusheegeen ayaa aan dhammaantood horey usoo xusnay inagoo raacnay sida rajaxsan. Waxaa jira dhacdooyin badan oo ay culimadaasi qaarkood kusheegeen in sanadkan ay dhaceen hase ahaatee aan soo xusnay, waxaana kamid ah, Madaa’in, Jolowlaa, Xulwaan, Qeysaariyah, Jaziiradda, Ra’sul Ceyn, Nuseybiin iyo kuwa kaloo lamid ah. Sidaa darteed maadaama aan raacnay qowl kamid ah aqwaasha culimadaasi weliba kuwoodii rajaxsanaa ayaan door bideynaa inaanan soo celinin oo aanan sanadkanna ku xusin, waayo waan soo xusnay oo sidaas ayaan uga gudbeynaa idinka Alle.

SANADKII 20AAD

Ibnu Isxaaq waxuu xusay in sanadkan la furtay Masar, Al Waaqidina waxuu ku raacay in lafurtay sanadkan, waxuu kaloo yiri Aleskandariyana waxaa la furtay sanadkan. Abuu Macshar-se waxuu yiri:- Masar waxaa la furtay sanadkii 20aad, Alaskandariyana waxaa la furtay sanadkii 25aad..

Seyf bin Cumar waxuu yiri:- Masar waxaa la furtay sanadkii 16aad bishii Rabiicul- awal. Sidaasi waxaa rajaxay Abul Xasan ibnu Athiir oo ku xusay kitaabka Al Kaamil Fit- taariikh, markii uu ka hadlayey awrtii Camr bin Al Caas uu Masar kasoo diray sanadka abaartii Caamu Rammaadah. Waana mid u dhaw oo suuro gal ah siduu rajaxay Allaha u naxariisto;e. Wallaahu Aclam.

Maadama aanan horey usoo xusin furashadii Masar baa innagoo raaceyna qowlka Ibnu Isxaaq, Al Waaqidi iyo Abuu Macshar ayaan sanadkan soo qaadan doonnaa furashadii Masar iyo siday udhacday hadduu Alle idmo.

Waana tan

Furashadii Masar

Markii Cumar bin Al Khaddaab ay u taam noqotay furashii dhulka Shaam buu Camr bin Al Caas u diray Masar, waxuuna Seyf bin Cumar xusay in Camr la diray kadib markii la furtay Beytul Maqdis.

Waxuu Cumar kasoo daba diray Zubayr bin Al Cawwaam oo ay la socdaan Busr bin Ardhaah, Khaarijah bin Xudaafa iyo Cumeyr bin Wahab Al jumaxi. Waxay kula kulmeen Camr bin Al Caas albaabkii Masar. Halkaasina waxay ugu tegeen laba nin oo uu soo diray Moqowqas boqorkii Askandariya si ay Muslimiinta uga hor istaagaan inay dhulkiisa soo galaan. Labadaasi nin waxaa la kala oran jiray Abuu Maryam Jaathaliiq iyo Asqaf Abuu Miryaam, waxayna ahaayeen reer Thaabaat. Markaa buu Camr bin Al Caas asxaabtiisii ku yiri:- Ha ku deg degina jeer aan cududaar siinno si ay inoogu soo baxaan Abuu Maryam Jaathaliiq iyo Asqaf Abuu Miryaam oo ah culimadii dhulkaan. Markaasay u yimaadeen.

Markaa buu Camr bin Al Caas ku yiri labadii nin:- Waxaad tihiin labadiinnu culimadii dhulkan ee dhageysto. Alle baa Muxammed SCW la soo diray xaq, oo uu amray. Markaasuu Muxammedna SCW innaga na amray wixii la amray, wuuna inoo gudey wixii la amray kadibna wuu tegay. Waxuuna inooga tegay arrin cad. Waxyaabahii uu ina amrayna waxaa kamid ah inaan dadka cududaar siinno. Haddaba inagu waxaan idiinkugu yeereynaa Islaamka. Kii naga yeelo innaga ayuu nala mid yahay, kii aanan naga yeelinna waxaan u bandhigeynaa jizyo, waxaana taasu idinkugu badalaynaa inaan idin ilaalinno. Waxuu inoo sheegay (Rasuulkayaga SCW) inaanu idin furan doonno, waxuuna inoo kiin dardaarmay inaan idinku dhowrno riximka. Haddii aad taasu naga yeeshaan waanu idin magan gelineynaa. Waxyaabahii uu amiirkayaga nagula ballamayna waxaa kamid ah ( inuu yiri ):- U dardaarmo Qidbiyiinta wanaagga, waayo waxay leeyahiin rixim iyo magane.

Markii ay labadii nin dhageysteen hadalkii Camr bin Al Caas baa waxay yiraahdeen:- Taasi waa qaraabo fog oo aysan xiriirinin cidaanan ahayn anbiyada layaqaan ee sharafta badan. Waxay ahayd (Haajar) gabadhii boqorkayaga, waxayna kasoo jeedday reer Manf, oo boqortooyaduna dhexdooda ayay ahayd. Reer Caynu Shams baa markaasi ka adkaatay oo laayey, boqortooyadoodiina ka qaatey. Sidaa darteed bayna ku noqotay afadii Ibrahiim CS. Soo dhawaado adinkoo ehel ah. Inoo qabo muddo jeer aan kuusoo laabanno.

Waxuu yiri Camr bin Al Caas:- Anigoo kale lama khiyaano, hase ahaatee waxaan idiin qaban muddo saddex casho ah si aad u eegtaan oo qoomkiinuna ay u eegaan (arrinka). Haddayan dhicin sidaa waanu idin soo weerarin.

Waxay yiraahdeen:- Inoogu dar? Markaasuu maalin kale ugu daray. Misna waxay yiraahdeen:- Inoogu dar? Markaasuu maalin kale ugu daray. Markaas bay laabteen oo ay u tegeen Moqowqas oo uu markaasi la joogay Ardhaabuun. Markii ay boqorkii u sheegeen arrintii, baa Ardhaabuun oo la fadhiyey boqorka ayaa wuxuu u tilmaamay in la iska celiyo ciidamada Muslimiinta oo lala dagaallaamo. Sidaas ayuuna boqorkii ku raacay oo taladaasi ayay qaateen. Labadii nin madaxdoodii ayay taasi ku raaceen waxayna yiraahdeen:” Innaguna waanu idinka difaaceynaa oo kulaaban meyno”. Rag kamid ah madaxyaweyntoodii baa waxay yiraahdeen:- Oo sideed ula dagaallameysaan qoom dilay Kisraa iyo Qeysar oo dhulalkoodiina kaga adkaaday? Qab weynahii Ardhaabuun ayaa taasi ku gacan seyray madaxdii oo ku qasbay in Muslimiinta weerar lagu qaado intaysan dhammaan muddadii ay usoo qabteen labada nin. Sidii bay sameeyeen oo ay Muslimiintii weerar ku qaadeen hase ahaatee kumaysan guuleysan oo jab iyo hoog ayey ka dheefeen iyadoo laga laayey tiro aad u badan oo uu kujiray Ardhaabuun qudhiisa.

Zubayr bin Al Cawwaam waxuu maalintaasi kasoo dul booday deyrka weyn oo uu baladkii soo dhex galay isagoo laynayey wixii uu helo. Markii ay taasi ka war heleen bay albaabkii Camr bin Al Caas u ordeen oo ay ka dalbadeen in uu la heshiiyo. Zubayrna dhankiisa seyf ayuu kusoo maray jeer uu yimid albaabkii Camr bin Al Caas, halkaasoo lagu qoray heshiiskii uu Camr u qoray Qidbiyiinta.

Waxuu Camr bin Al Caas u qoray reer Masar warqad magan galyo ah isagoo u qoray in nafahooda, diintooda, maalkooda kaniisadahooda iyo saliibkooda baddooda iyo berrigooduba u ballan qaaday inaanan lagu xad gudbin. Waxuuna taasi baddalkeeda kula heshiiyey inay bixiyaan jizyo. Sidoo kale dadkii Nuubiyiinta iyo Ruumaanka ee Masar wax ka deganaa waxuu u qoray heshiis lamid ah kan reer Masar. Intaasi kadib fardooleydii Muslimiinta iyo Camr ibnu Al Caas ayaa waxay degeen goobtaa iyada ah ee uu heshiiska ka dhacay, markaasuu Camr ka dhistay teendhadiisii halkaas, ciidankii oo idilna hareerahiisa ayay ka dhisteen. Waana halka maanta ah caasimadda Masar ee Al Qaahira. Camr bin Al Caas waxuu halkaasi kadhisay jaamic weyn oo lagu tukado, kaasoo markii dambe isaga loogu magac daray. Waana jaamica weyn ee kuyaal magaallada Al Qaahira ee loo yaqaan Masjid Camr bin Al Caas.

Markii Camr bin Al Caas uu halkaa degay ayaa waxaa u yimideen labadii nin oo ay kala hadleen in loosii daayo dumarkii iyo carruurtii lagaga qafaashay macrikada. Markaasuu Camarna ka diiday inuu uceliyo waxuuna amray in la eryo oo hortiisa laga kaxeeyo labadaasi nin. Arrintaasi markay gaartay Cumar bin Al Khaddaab buu soo amray in loosii daayo wixii lagaga qafaashay muddadii shanta maalmood ee uu u qabtay, iyo kuwii aanan la dagaalin. Kuwii la dagaallamayse waxuu soo amray inuusan sii deynin oo uusan u celinin. Waxaa la yiraahdaa Cumar bin Al Khaddaab waxuu kaloo soo amray in lakala dooransiiyo wixii qafaal ah ee gacantiisa ( Camr bin Al Caas ) kujiro Islaamka iyo in loo celiyo dadkooda. Qofkii doorto Islaamka, waxuu soo amray inaanan la celinin, kii doortase in ehelladiisii loo celiyo waxuu amray in laga qaado jizyo. Markaasay qaarkood doorteen Islaamka qaar kalena ay ehalladoodii ku laabteen oo ay bixiyeen jizyo.

Kadib Camr bin Al Caas ciidamo ayuu u diray dhanka Aleskandariya oo uu madax ka ahaa Moqowqas. Moqowqas waxuu dhulkaasi masuul uga ahaa boqortooyadii Ruumaanka ee la boqno gooyey. Markiina uu Camr bin Al Caas gaaray halkaas buu Moqowqas ka war helay warkaas. Markaasuu isu soo aruuriyey waxgaradkiisii oo ku yiri:” Carabtani waxay ka adkaadeen Kisra iyo Qeysar oo ay suuliyeen boqortooyadoodii. Tabarna uma hayno ee ra’yiga agteyda ahi waxuu yahay inaan siinno jizyo”. Markaa buu Moqowqas u qoray warqad Camr bin Al Caas isagoo ku oranayo:” Waxaan jizyo siin jiray dad aan adinku idinka necbahay (Ruum iyo Furus)”. Kadibna waxuu kula heshiiyey inuu bixiyo jizyo, waxaana la sheegaa in uu 12 000 Dirham kula heshiiyey. Camr bin Al Caas waa uu ka guddoomay heshiiskii oo warqad magan gelyo ahina uqoray. Intaa kadib Camr guushii furashada iyo khumuskii qaniimada ayuu u diray dhankii amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab iyo magaalladii Madiina.

Waxaa la sheegaa in intaas kadib Camr bin Al Caas iyo Zubayr ay aadeen Caynu Shams oo ay go’doomin ku qabteen. Markaasuu Camr bin Al Caas u diray Abraha bin Sibaax dhanka Al Farmaa. Waxaa la sheegaa Aleskanderiya inuu u diray Cowf bin Maalik, oo markaasi furtay. Wallaahu aclam.

Intaasi kadib ciidamadii Muslimiinta waxay kusii duuleen dhulka Nuubah, halkaasoo ay kala kulmeen dhaawacyo aad u badan oo ay kuwaayeen indho badan, Nuubiyiinta oo si aad ah ugu dheereesey ganida gamuunka darteeda.

Waxaa la isku khilaafaa Masar ma waxaa lagu furtay heshiis ama xoog?

Waxaa la yiraahdaa: Waxaa lagu furtay heshiis, waana qowlka Yaziid bin Abii Xabiib. Waxaa kaloo layiraahdaa: Waxaa lagu furtay xoog. Waana qowlka Ibnu Cumar iyo jamaaco kale oo qeyrkiisa ah. Wallaahu aclam.

Qisadii Webiga Niil

Markii la furtay Masar ayay reer Masar u yimaadeen Camr bin Al Caas kadib markii la gaaray bil kamid ah bilihii ay tirsan jireen Cajamta. Waxayna ku yiraahdeen:” Amiiryahow! waxaan lahayn caado sanadkan haddii aanan sameynin uusan webiga soconeynin”.

Waxuu ku yiri:” Oo maxay ahayd?

Waxay yiraahdeen:” Markay labo iyo toban casho ka tegto bishan baan gabar qurux badan oo bikro ah kasoo kaxayn jirnay waalidkeeda oo aan waalidkuna siin jirnay wax ay ku raalli noqdaan. Markaasan dusheeda saari jirnay (yacni u xiri jirnay) xulliyad iyo dhar aad u qurux badan oo ah wax la xirto waxa ugu wanaagsan, saan webiga ku tuuri jirnay.

Waxuu yiri Camr bin Al Caas:- Tani waa mid aanan ku habbooneyn diinta Islaamka ah. Waayo Islaamku waxuu tiraa wixii ka horeeyay. Markaa bay iska laabteen, webigiinna sidii ay sugayeen ma iman oo waxyar iyo wax badanba midna ma dhaqaaqin. Markii ay xaaladdii ku darraatay buu Camr bin Al Caas warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab isagoo kula socodsiinayo arrintaasi. Markaasuu Cumar warqad usoo diray dhankii Camr bin Al Caas isagoo ku oranayo:- Waad asiibtay sidaad sameysay, waxaana kuusoo diray warqad ay kudhex jirto warqad kale ee ku dhex tuur webiga. Markii ay warqaddii soo gaartay Camr bin Al Caas oo uu furay si uu u akhriyo waxuu ka akhriyey sida tan:

Ka socoto Addoonkii Alle

Cumar Amiirkii Mu’miniinta.

Kusocoto webiga Niil ee reer Masar.

Intaa dabadeed: Haddii aad ahayd mid kusocda amarkiisa iyo rabitaankiisa haddaba ha socon kuumana baahinine. Haddiise aad ahayd mid kusocday amarka Allaha kaliga ah ee awoodda badan isaga ayaa kusocodsiin doono. Waxaana Alle Sarreeye weydiisaneynaa inuu kusocodsiiyo”.

Markii uu Camr bin Al Caas warqaddii akhriyey buu inta qaaday kutuurey webigii Niil. Markaasay reer Masar waabariisteen aroor Sabti ah webigii oo socdo oo biyuhu qulqulayaan. Halkaas bay ku dabar go’day caadadii foosha xumeyd ee ay reer Masar haysteen, illaa maantadanna wuu socdaa webigii Niil oo muusan istaagin. Falillaahil Xamdu..

Waxuu yiri Ibnu Jariir:” Sanadkan ayuu ku duulay Abuu Baxriyah C/llaahi bin Qeys Al Cabadiyu dhulkii Ruum. Waxuuna ahaa qofkii ugu horeeyay ee ku duulo. Wuxuu soo laabtay isagoo bad qabo soona qaniimeystay”. Waxaa kaloo la sheegaa inuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee galo dhulka Ruum Maysarah bin Masruuq Al Cabasiy. Wallaahu aclam.

Al Waaqidi wuxuu xusay in sanadkan uu Cumar bin Al Khaddaab madax uga dhigay Yamaamah iyo Baxreyn Abuu Hureyrah Ad-Dowsi Allaha ka raalli noqdee.

Sanadkan dhexdiisa buu Cumar bin Al Khaddaab u diray Xabashi soo weerartay Jiddah Calqamah bin Al Mujazir Al Mudjali. Waxuuna amray inuu uga duulo dhanka badda, hase ahaatee muusan soo laaban oo halkaas ayaa lagu asiibay. Fa innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun. Arrintaasi Cumar aad buu uga murugooday oo uu u dhibsaday. Sidaa darteed buuna dhaar kumaray inuusan ciidama Muslimiin ah dib dambe ugu dirin badda.

Waxuu Cumar sanadkan guursaday Faadimah bint Al Waliid bin Muqiirah, taasoo uu horey kaga geeriyooday Al Xaarith bin Hishaam Allaha ka raalli noqdee. Sanadkan waxaa dadka xajiyey amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab, masuuliyiintiisii goballaduna waxay ahaayeen sidoodii marka laga reebo Abuu Hureyrah oo uu sanadkan masuul uga dhigay Yamaama iyo Baxreen.

SANADKII 21AAD

Waa sanadkii ay dhacday dhacdadii

Nahaawunda

Dagaalkan Nahaawunda wuxuu ahaa dagaal weyn oo dhex maray ciidamadii Muslimiinta iyo majuustii Furus, waxuuna lahaa sha’ni weyn iyo war cajiib ah, waxayna Muslimiinta ugu magac dareen Fatxul fatuux (Furashadii furashooyinka).

Waxay yiraahdeen Ibnu Isxaaq iyo Al Waaqidi:” Waxuu dhacay dagaalkii Nahaawunda sanadkii 21aad ee Hijriyada”.

Sayf bin Cumarse wuxuu yiri:” Waxuu dhacay sanadkii 17aad ee Hijriyada”. Waxaa kaloo la sheegaa inuu dhacay 19-kii Hijriyada, sida rajaxsanse waa inuu dhacay sanadkan. Wallaahu aclam.

Sababtu waxay ahayd goor ciidamadii Muslimiinta ay wada furteen gobalkii Ahwaas iyo magaalooyin kale oo waaweyn ee kamidka ahaa magaalooyinkii Majuusta ayaa amiirkii Mu’miniinta Cumar bin Khadaab wuxuu amray asxaabtiisa inaanay ciidamada Muslimiinta kusii fogaanin dhulalka Furus ee fog fog, is gaarsiintii oo fogaatay awgeed iyo dhulkii uu Islamka ka talinaayey oo noqday dhul aad u ballaaran, waxuuna markaas Cumar is tusaayey inaysan u wada talin karin dhulalkaas fog fog. Hase ahaate waxaa arrintan kaga hor yimid Cumar koox saadaaddii Muslimiinta kamid ah oo uu kamid ahaa Axnaf bin Qays .

Waxuu Axnaf bin Qeys ku yiri Cumar:” Amiirkii Mu’miniintoow! laba qolo dhul kama wada talin karaan, kana joogi mahayaan Majuusta inay nagu soo weeraraan goobahayaga ee inoo ogolaaw inaan ka saarna majuusta dhulka Furus oo dhan”. Markaas buu Cumar ku qancay in la wada furta dhulka Furus.

Goor ay doodahaasi socdeen ayaa waxaa Cumar bin Khadaab u timid warqad kasocotay dhanka amiirkii ciidamadii Muslimiinta ee ka dagaallamayey Ciraaq Sacad bin Abii Waqaas, waxayna warqadaasi tilmaameysay in Faarisiinta ay soo uruuriyeen ciidan aysan horey mid lamid ah usoo uruurin, oo ay soo degeen goobta Nahaawunda ayna weerar kusoo yahiin dhanka Muslimiinta.

Markaa buu Cumar garwaaqsaday hadalladii uu Axnaf bin Qeys horey kula taliyey, Sacadna mar waliba waa uu la socodsiinayey xaalada halka ay mareysa oo warqado ayuu u diri jiray.

Markii dambe ayaa waxaa Sacad kasoo eed sheegtay koox kamid ahaa ciidamadii Musliinta waxayna u tegeen Cumar oo ay uga dacwoodeen Sacad, waxaana kamid ahaa waxyaabahii ay kaga soo dacwoodeen inuusanba Sacad hagaajin karin xitaa salaadda iyo inuusan si caddaalad ah wax ugu qeybinin oo uusan u xukminin.

Nin la oran jiray Al Jarraax bin Sinaan Al Usdi ayuu ahaa ninkii u hadlaayey kooxdaas arrimahaas kusoo eedeeysay Sacad, waxuuse Cumar ku yiri Al Jarraax iyo qolooyinkiisii:” Waxaa u daliil ah waxa aad sheegeysaan inay been iyo shar yahiin xaaladda imminka lagu jira iyo iyadoo uu Sacad isku diyaariyey inuu la dagaallama acdaada Allaah, mase jirta arrin diideysa inaan dhex galo arrinkiina oo aan baaro wixii ka run ah”.

Intaas kadib buu Cumar soo diray Maxamed bin Maslama oo aallaaba isaga arrimahaas dacwada iyo is qab qabsiga loo diri jiray, markii uu Maxamed magaaladii Kuufa yimidna waxuu masjidkii isugu soo kulmiyey dadkii oo uu weydiiyey inay jirta cid dacwa ka qabta Sacad bin Abii Waqaas? Balse lama uusan kulmin waxaanan kheyr ahayn cid ka sheegta Sacad bin Abii Waqaas, marka laga reebo kooxdii Al Jarraax bin Sinaan oo iyagu iska aamusay.

Dabeeto waxaa kacay nin la oran jiray Abuu Sacdah Usaama bin Qataadah oo yiri” Haddii aad Maxammadow!! ina dhaarisay, Sacad si isla eg oo caddaalad ah wax uma qeybiya, raciyaduna uma caddaalad falo mana raaco sirriyada”. Markaa buu Sacad Allaah baryey oo habaaray ninkaasi isagoo leh:” Allahayoow! haddii uu u yiri kalmaddaas istus tus iyo been iyo halagu maqla, Allahayoow! indhaha tir oo kayeel faqiir, carruurtiisana badi, kuna imtixaan fidno”.

Markaa buu ninkii indha beelay waxuuna mar dambe dhalay 10 gabdhood, mar waliboo uu maqla cod haweeneyna xaggeeda ayuu ku ordi jiray, markii la weydiiyana waxuu oran jiray” Waxaa igu dhacday inkaartii ninkii barakeysnaa ee Sacad”.

Waxaa kaloo uu Sacad habaaray Al jarraax bin Sinaan oo jirkii googo’ay maalkiina masiiba uga dhacday, sidaa si lamidna waxuu wada inkaaray dhammaan intii falkaas iyo dacwada beenta ah ka dambeysay. Illaahayna wuu ku wada riday wixii uu Sacad ku inkaaray, waayo Sacad waxuu ahaa nin Mustajaabu duca ah, Rasuulka SCW ayaana sidaa ugu duceyay.

Dabeeta waxay Sacad, Maxamed bin Maslama, Al Jarraax bin Sinaan iyo kooxdiisii tegeen magaaladii Madiina, markii ay la kulmeen Cumarna waxuu weydiiyey sida ay kusoo eedeeyeen Sacad ee uu salaadda u tukada? Waxayna yiraahdeen:” Waxuu dheereeyaa labada rakaco ee hora halka kuwa dambana uu gaabiya”.

Waxuu yiri Sacad” Dhab ahaantii anigu waxaan ahaa qofkii saddexaad ee Islaama,waxaana ahaa ninkii ugu horeeyay ee gamuun u ganay dar Alle, waxuuna Rasuulkii Alle SCW igu kulmiyey aabahiis iyo hooyadiis isagoo igu furtay ( maalintii Uxud asagoo leh:- Tuur Sacadoow! kugu furtay aabahay iyo hooyadeyba ), horeyna ugumuusan kulmin Rasuulka SCW hooyadiis iyo aabahiis oo kumuusan furan axad aniga iga horeeyay, markaas bay banii Asad yiraahdeen Sacad salaadda ma haggaajin karo”.

Waxuu yiri Cumar:” Yaad uga soo tegtay Kuufa?

Waxuuna ku jawaabay:” C/llaahi bin C/llaahi bin Citbaan”.

Markaa buu Cumar u daayey C/llaahi bin C/llaahi bin Citbaan masuul ahaan magaaladii Kuufa, waxuuna ahaa Ibnu C/llaahi bin Citbaan nin oday ah oo kamid ahaa akhyaartii saxaabada waxuuna xulufa la ahaa banii Xabliy oo Ansaarta kamid ahayd.

Sacad isaga waalaga casilay imaaradda dambi la ‘aan isagoo beri ka noqday waxyaabahii ay kusoo eedeeyeen wax makastii banii Asad. Dhanka Faarisiintii iyagu meel waliboo fog bay isaga yimaadeen oo ciidama tira badan oo uu hoggaaminayo Feyruzaan oo dhan 150 000 bay isu keeneen. Waxaa kaloo la sheegaa inuu hoggaaminayey Bandaraan ama Dul Xaajib, waxaase xaqiiqda udhaw inuu hoggaaminayey ciidamadaas Feyruzaan.

Iyagoo isdhaarsanayo Majuusta ayaa waxay isku yiraahdeen:” Maxammed kii Carab u yimid ma uusan soo haweysan boqortooyadeenna, Abuu Bakarkii ku xigayna lamid, markaa baa markii Cumarkan waqtigiisii uu dheeraaday ayuu kusoo duulay boqortooyadeennii oo uu banneystay xurmadayadii, oo uu qaatay maalkayagii, intaana kumuusan ekaane waxuu inoogu yimid oo uu inagu soo weeraray guryahayagii oo uu qaatay hantidii aqalka boqortooyadeenna, kuna joogsan mahayo intaas jeer uu idinka wada saara dhulkiina”.

Waxay isku dhaarsadeen Majuusta inaysan cararin oo waxay ku ballameen in lagu duullo Kuufa iyo Basra, Cumarna lagu mashquuliya dhulkiisa, waxayna isku dhaaranshahaas iyo ballantaas ay ku qoreen warqad si ay u adkeeyaan.

Sacad bin Abii Waqaas markii uu tegay magaaladii Madiina ayuu uga warramay amiirkii Mu’miniinta arrimihii markaas jiray oo si fiican uga shaafiyey xaalkii Majuusta iyo inay weerar culus soo wadaan .

Dhanka kale waxaa Cumar warqad usoo diray amiirkii cusbaa ee Kuufa C/laahi bin C/llaahi bin Citbaan waxuuna warqadaas usoo dhiibay Qariib bin Dhafar Al Cabadiyu,wuxuuna uga warramay halka uu xaalku maraya iyo in ciidama tira badan oo majuus ah ay isku urursadeen la dagaalanka Muslimiinta iyo inay weerar kusoo qaadaan oo ay baabi’iyaan Islaamka iyo ehelkiisa, waxuuna C/llaahi ibnu C/llaahi bin Citbaan ka dalbaday amiirka Mu’miniinta inuu u ogalaado inay ku deg degaan oo ay ka hortegaan Majuusta.

Waxuu Cumar su’aalay ergaygii warqadda siday:” Magacaa?

Waxuu yiri:” Qariib”.

Waxuu yiri:” Ina ayo?

Waxuu yiri:” Ina Dhafar”. Markaa buu Cumar isagoo macneysanaya magacaasi yiri:” Dhafrun Qariib”. Oo la macna ah guul baa soo dhaw, intuu labadii magac isdaba mariyey. Markaa buu Cumar amray in la naadiyo dadka oo reer Madiina oo idil ay masjidka isugu wada yimaadaan.

Markaas buu Muslimiintii oo idil kusoo kulmiyey masjidka. Waxaa la yiraahdaa qofkii ugu horeeyay ee masjidka maalintaa soo gala waxuu ahaa Sacad bin Abii Waqaas. Markaa buu Cumar dadkii u khudbeeyay isagoo usheegay halka ay arrintu mareysa iyo in loo baahanyahay ciidan, waxuuna wada tashi la qaatay saadaaddii saxaabada oo ay ka mid ahaayeen Sacad bin Abii Waqaas, C/raxmaan bin Cowf, Cuthmaan bin Cafaan, Cali bin Abii Dhaalib, Dhalxa bin Cubeydillaah iyo rag kale oo ahlu ra’yiga kamid ahaa. Dhammaan waxay isla garteen inuusan amiirka Mu’miniinta bixin, Madiinana aan ciidan laga dirin, hase ahaatee waxay isla fahmeen oo ay hal ra’yi kanoqdeen in la diro ciidamo gurmad ah oo ka baxa goballada.

Cuthmaan bin Cafaan baa isagu wuxuu keenay fikrad ah in ciidama laga dira Shaam iyo Yeman loona dira Ciraaq, hase ahaatee Cali bin Abii Dhaalib baa isagana fikrad kale oo Cumar qancisay keenay, waxuuna tilmaamay in ciidama aanan laga dirin Yeman iyadoo looga baqaya in ay Xabashida soo weerarta Yeman, dhanka Shaamna aanan ciidan laga dirin, waayo waxaa macquul ah buu yiri inay ciidamada Roomaniska soo weeraraan Shaam, sidaa darteed waxuu ishaaray in Kuufa iyo Basra laga kala dira ciidama gurmad ah si ay uga hor tegaan Majuustaas isasoo bahaysatay.

Cumar bin Khaddaab waxaa cajab geliyey ra’yigii Cali oo uu qaatay, waxuuna Cumar la tashan jiray mar waliba oo uu arrin goosta Al Cabbaas bin Cabdmudallib, markaa buu Al Cabbaas utegay oo uu usheegay arrinta uu goostay isagana wuu ku taageeray.

Markii uu goostay arrintaas Cumar ayaa waxuu yiri” Ii tilmaama yaan u doortaa ciidamadaas oo aan masuul uga dhigaa?

Waxaana loogu jawaabay:” Adigaa u aqoon badan amiirkii Mu’miniintoow!!”.

Markaa buu yiri ” Waxaan u magacaabi doonaa Nucmaan bin Muqarrin”.

Waxuu Nucmaan markaasi ku sugnaa Kaskar oo uu masuul ka ahaa.

Dabeeta waxuu Cumar warqad u diray amiirkii Kuufa C/llaahi bin C/llaahi bin Citbaan taasoo uu ku amrayey in uu dira ciidan uu madax uyahay Xudeyfah bin Yamaan, Basrana waxuu amray inay kasoo baxaan ciidan uu wata Abii Muusa Al ashcari, kadibana dhammaan ciidamadaas iyo ciidama uu watay Nucmaan bin Muqarrin oo iyagu Kaskar kasoo bixi doona ayuu amray Cumar inay ku kulmaan Maah oo uu ciidankaas dhami madax u noqda Nucmaan bin Muqarrin, haddii Nucmaan la dilana waxuu amray inuu amiir noqda Xudeyfah bin Yamaan, haddii Xudeyfa la dilana waxuu amray inuu amiir unoqodo Jariir bin C/llaahi Al Bujali, haddii Jariir la dilana wuxuu soo amray inuu amiir noqdo Qeys bin Makshuux, haddii Qeys la dilana waxa amiir ah hebal, iyo hebal jeer uu magacaabay 7 nin oo isaga kala dambeyneeyso haddii mid la dila si uu midkale u qabta, waxaana kamid ahaa raggaas toddobada ahi Muqiirah bin Shucbah. Waxuu Cumar qeybinta qaniimada usoo xilsaaray As-Saa’ib bin Al aqrac.

Markaa buu Xudeyfah ka dhaqaaqay magaalladii Kuufa isaga iyo ciidama uu hoggaaminayo si ay ugu biiraan ciidamada Nucmaan bin Muqarrin oo ay markaa kuballameen inay ku kulmaan goobta Maah. Markii uu Xudeyfah u tegay Nucmaan buu u dhiibay warqaddii amiirka Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khddaab, taasoo caddeyneysay qaabkii ciidankan loo dhisi lahaa.

Markii ay isu tegeen ciidamadaas is aruursaday ee Muslimiinta waxay tiradoodu noqotay 30 000 sida uu weriyey Sayf bin Cumar oo isagu kasoo weriyey Shicbi, waxaana ku jiray saadaaddii saxaabada iyo akhyaartii Carbeed. Waxaa kamid ahaa ciidamadaas C/llaahi bin Cumar bin Khadaab, Jariir bin C/laahi Al Bujali, Xudeyfah bin Yamaan, Muqiirah bin Shucbah, Nucmaan bin Muqarrin (amiirkii ciidankaas), Camr bin Macdiyakrib, Dhuleyxa bin Khuweylid Al Usdi, Suweyd bin Muqarrin, Nucaym bin Muqarrin, Qeys bin Makshuux Al Muraadi, Abii Muusa Al Ashcari, Camr bin Abii Salama iyo halyeeygii Al qacqaac bin Camr At Tamiimi oo maalintaa kamid ahaa hoggaamiyaasha ciidanka Muslimiinta.

Intaa kadib ciidamadii Muslimiinta waa ay dhaqaaqeen waxayna abbaareen dhankii Nahaawunda, waxuuna Nucmaan hortiisa diray saddex nin oo wardoonno ah. Kuwaasoo kala ahaa Dhuleyxa bin Khuweylid, Camr bin Macdiyakrib iyo Camr bin Thubayi, oo loo yaqiinnay Camr bin Abii Salama, si ay usoo ogaadaan warka qoomka iyo waxa ay ku suganyahiin. Camr bin Abii Salama iyo Camr bin Macdiyakrib way soolaabteen, hase ahaatee Dhuleyxa wuxuu tegay Nahaawunda oo uu qoomka dhex galay oo wax kasoo dhageystay, dabeetana Nucmaan buu usoo laabtay oo uu usheegay arrinta. Waxuuna usheegay in Nahaawunda iyo isaga aysan dhexdoodu ahayn wax uu dhibsado.

Waxuu Nucmaan diyaariyey ciidankiisii waxuuna ciidanka hore madax uga dhigay walaalkiis Nucaym bin Muqarrin, labada dhinacna (bidax iyo midig) waxuu u kala dhiibay Xudayfah bin Al Yamaan iyo Suweyd bin Muqarrin, ciidanka lugtana waxuu madax uga dhigay halyeygii Al qacqaac bin Camr, halka gaadada damba ee ciidankana uu u dhiibay Majaashac bin Mascuud.

Dabeeta ciidamadii Muslimiinta way dhaqaaqeen jeer ay markii dambe ka hor tegeen ciidamadii Furus oo uu hoggaaminayey nin la oran jiray Fayruzaan, waxayna ahaayeen ciidan aad u tira badan oo 150 000 ah. Kadib wuxuu Nucmaan ciidankii amray inay culeyska iska fududeeyaan oo ay teendhooyinkooda ka dhistaan Nahaawunda dusheeda, isagiina waxaa loo dhisay teendho aad uweyn oo ay u dhiseen 14 nin oo kamid ah rag karmeedyadii ciidanka, waxayna raggaasi kala ahaayeen Xudeyfah bin Al Yamaan, Cutbah bin Camr, Muqiirah bin Shucbah, Bashiir bin Khasaasiyah, Xandhalah Al Kaatib bin Al Huwbar, Ribciyi bin Caamir, Caamir bin Mudar, Jariir bin C/llaahi Al Ximyari, Jariir bin C/llaahi Al Bujali, Al Aqrac bin C/llaahi Al Ximyari, Al Ashcat bin Qeys Al Kindi, Saciid bin Qeys Al Hamdaani iyo Waa’il bin Xijir. Ma jirin teendho ka weyn markaa carrigaasi Ciraaq teendhadaas iyada ah.

Markii ay labada qolo isasoo hor fadhiisteen, waxaa huray dagaalkii, markaasuu Nucmaanna ciidamadiisii amray inay weerar ku qaadaan. Waxayna ahayd maalin Arbaco ah, oo maalintaas iyo tii ku xigtay buu dagaalku socday. Markii lagaaray maalintii Jumcada bay kufaartii qalcadahoodii ku carareen. Markaasay Muslimiintiina go’doomin ku qabteen. Markay rabaan bay soo baxayeen Majuusta oo misna ay si deg deg ah qalcadahooda ugu cararayeen.

Taa kahor markii ay isasoo hor degeen labadii ciidan oo ay indhaha isku dhufteen, ayuu Nucmaan amiirkii ciidamada Muslimiinta takbiirsaday saddex goor, markaa baa majuustii dab caabbudka ahayd dhulka la gil gishay oo rucbi iyo argagax darran qalbiga Illaahay kaga tuuray, kadibna ciidamadii Muslimiinta way kor degeen oo xisaar (isweer) ayay ka qabteen. Amiirkii ciidamada Majuusta ayaa waxuu Muslimiinta ka dalbaday in loo diro nin kamid ah Muslimiinta si uu ula hadlo. Markaasaa loodiray Muqiirah bin Shucbah oo lasoo dooday. Markii uu kasoo tegay buu Feyruzaan dadkiisii ku yiri:” Illaah baan ku dhaartaye acwarku wixii naftiisa kujiray buu idinka runsheegay”. Markiina in muddo ah la kor daganaa oo iyagiina ay dhufeysyo waaweyn ka qoteen hareerahooda xaaladdiina ay ku darraatay Muslimiinta, waxay ahayd waqti qabooba ah, markaa ayay Nucmaan bin Muqarrin iyo madaxdii kalee ciidanka qabteen shir looga tashanaya sidii lagu wajihi lahaa xaaladdan, maadaama Majuusta ay ka caajiseen oo ay ka gaabiyeen inay Muslimiinta dagaal la galaan weliba goob barxad ah.

Waxaa kacay markii hore Camr bin Abii Salama oo ciidamada halkaa kusugnaa oo idil waaga u da’ weynaa, oo hadalkii dhigay si wacanna u suubiyey. Misna waxaa kacay Camr bin Macdiyakrib oo isaguna meel wacan taabtay. Kadib waxaa hadlay Dhuleyxah bin Khuweylid Al Asdi, waxuuna yiri:” Waxaan qabaa in la diro sirriyad (ciidan yar) oo dul dego godkooda kuna huriya dagaal. Markay usoo baxaanna haka soo cararaan oo xaggeenna ha usoo rooraan. Markay iyana soo raacdeystaan oo ay innagu ina soo gaaraan, markaa waa inaan innaguna cararnaa dhammaanteen sidoo kale. Markaa iyada ahi kama ay shakinayaan jabka oo dhammaantoodba way kasoo baxayaan qalcadahooda. Markii ay kasoo wada baxaan qalcadahooda baan ku laabaneynaa oo aan la dirireynaa jeer uu Alle ka xukmiyo dhaxdeenna”.

Dadkii oo idil ra’yiga Dhuleyxa baa aad ula qurxanaaday, isagii ayayna Muslimiintii qaateen, waxuu markaa Nucmaan bin Muqarrin amray ciidamadii Al qacqaac si ay u fuliyaan howshaas iyada ah. Markaa buu Al qacqaac ciidamadiisii la dhaqaaqay oo uu dul degay qalcadahoodii, dabeetana uu dagaal ku huriyey, kadibna way soo carareen markii ay kusoo baxeen. Majuustii markay arrintaas arkeen bay yiraahdeen:” Waa iyadii waa iyadii”.

Macnaha waxay dhowrayeen in loosoo sheego sanadkaas geerida Cumar bin Khaddaab, oo waxay sugayeen in xilligaas isaga ahi uu Abuu Lu’lu’ah uu dilo Cumar. Sidaa darteed baa markay arkeen ciidamada Al qacqaac oo hal mar firxaday bay umaleeyeen in loosoo sheegay geerida Cumar oo ay Muslimiintu niyad jabeen, markaasay Majuustu yiraahdeen:” Waa iyadii waa iyadii”.

Kama aysan shakinin jabka iyo dib ugurashada Muslimiinta, waayo waxay dhowrayeen arrin kale. Siduu horey Dhulxeyah u sheegay ayayna noqotay oo way soo daba galeen. Ciidamadii Al qacqaac markay soo gaareen ciidankii weynaa ee Muslimiinta buu Nucmaanna ciidamadiisii la sii cararay, oo ay dib ugurasho sameeyeen. Majuustii indhaha la’ayd waa ay sii daba ordeen oo dhammaantood waa ay kasoo baxeen qalcadahoodii iyagoonan ku dhaafin wax dagaalyahanno ah oo albaabada u ilaaliyo. Waqtigu waxuu ahaa bartamaha maalinta oo cadceeddu ay kalabaraha samadu taagneed. Sidaa darteed buu Nucmaan jecleystay inuusan weerar ku qaadin jeer ay cadceeddu ka weecato oo nasriga Allena usoo dego siduuba sameyn jiray Rasuulka Alle SCW.

Marar badan bay Muslimiintu ku qasbeen Nucmaan inuu weerar ku qaado cadawga, hase ahaatee ma uusan falin, waayo waxuu Nucmaan ahaa nin sugnaan og. Kadib markay cadceeddu weecatay buu Nucmaan ciidankii tujiyey, dabeetana intuu raayad kasta hoos tegay buu u khudbeeyay ciidanka oo ku booriiyey sabar iyo sugnaan iyo inay ka run sheegaan goobta fara saarka. Waxuu Nucmaan usheegay Muslimiintu inuu takbiirsan doono takbiirta kowaad, waxuuna amray in markaa la noqdo diyaar, waxuu misna usheegay inuu takbiirsan doono takbiirta labaad, waxuuna amray inaysan jirin cid aanan diyaar ahayn. Waxuu usheegay in takbiirta saddexaadna ay noqon doonto weerarka ka run sheegidda. Kadib waxuu Nucmaan u laabtay goobtiisii oo uu saddex jeer takbiirsaday markaasuu bilawday dagaalku, oo seefuhuna ay is dhaafeen. Waxaana dhacay dagaal aanan horey loogu arag mid lamid ah mawaaqicdii hore oo aysan maqal kuwa wax maqlaayi mid lamida. Waxaa laga laayey Mushrikiinta teer iyo markay weecatay cadceedda illaa uu gabbalku ka dhacay oo laga gaaray gudcurka habeennaad maqtalo aad u tiro badan oo dhulkii dhan ka dhigtay dhiig lagu silqado. Heer ay daabaduhu ku silqanayeen oo waxay gaartay heer la yiri:- Amiirkii ciidanka baa faraskiisu dhiiggaasi kula silqaday oo markaasina uu kudhacay gamuun duulayo oo sidaa ku geeriyooday.

Ma jirin cid garatay geerida amiirkii ciidanka marka laga reebo walaalkiis Suweyd bin Muqarrin, waxaa kaloo la yiraahdaa walaalkiis Nuceym bin Muqarrin, markaasuu calankii u dhiibay ninkii ku xigay waa Xudeyfah bin Al Yamaane. Markaasuu Xudeyfana booskiisii ku wareejiyey walaalkiis Nuceym bin Muqarrin si uu u qariyo geerida walaalkii ku timid jeer uu arrinka dagaalka ka dhammaanayo iyo si aysanna Muslimiintu u niyad jebin.

Markii la gaaray gudcurkii habeenaad bay Mushrikiintii jaanta rogteen oo ay jabeen, Muslimiintiina waa ay sii eryadeen. Waxayna Mushrikiintu silsilado kusoo dabreen 30 000, hareerahooduna waxay ka qodeen godad. Markii ay jabeen bay godadkii iyo waaddiyadii halkaa ahaa ku daateen oo bashar badan oo kudhaw 100 000 ama in kabadan ay kaga halaagsameen marka laga reebo tirada kuwii macrikada looga laayey markay cadceeddu weecatay jeer laga gaaray gudcurkii habeenaad.

Feyruzaan oo ahaa amiirkii ciidamada Mushrikiintu isagu waxuu ka cararay goobtii macrikada oo uu dhexda ka galay jabkii kuwii la cararay. Markaa buu Nuceym daba kacay, waxuuna markii dambe hortiisa diray Alqacqaac bin Camr. Feyruzaan waxuu abbaaray dhanka Hamdaan, saa waxaa ka daba tegay Al qacqaac oo ku helay goobta Thaniyatul Hamdaan (karinta Hamdaan). Waxuu Feyruzaan dhexda kula kulmay safar bakhlo iyo dameero tiro badan ku sido malab, wayna usuuroobi weyday inuu horey usii fuulo, markaasuu lugtiisa ciirsaday oo uu buuraha korey. Al qacqaac baa inta ka daba tegay ku qoor gooyey halkaas. Maalintaas ayayna Muslimiintii yiraahdeen:” Alle waxuu leeyahay junuud malab ah”. Waxay Muslimiintii qaniimeysteen malabkii ay bakhlahaasi iyo dameeruhu sideen. Waxaana meeshaa iyada ahi loo bixiyey Thaniyatul Casal (Karintii Malabka). Intaa dabadeed Al qacqaac waxuu sii eryaday jabkii kuwii cararay jeer ay orad ku galeed Hamdaan, markaasuu dul degay oo uu go’doomin kuqabtay. Dabeeto ninkii masuulka ka ahaa oo la oran jiray Khushrushanuum baa usoo degay oo ka dalbaday heshiis, halkaas ayuuna kula heshiiyey. Kadibna Al qacqaac bin Camr waxuu ulaabtay dhankii Xudeyfah bin Yamaan oo uu u tegay iyagoo galay Nahaawunda kadib dhacdada oo ay xoog ku furteen. Waxay ciidamadii Muslimiintu soo uruuriyeen hantidii halkaa laga helay hub iyo maalba, waxayna u dhiibeen ninkii masuulka ka ahaa qaniimada As- Saa’ib bin Al Aqrac. Markii ay reer Maah maqleen warka reer Hamdaan bay iyana usoo cid dirsadeen dhankii Xudeyfa bin Yamaan si ay ula heshiiyaan oo ay magan galyo uga qaataan.

Waxaa Xudeyfah u yimid nin la oran jiray Hirnad ama Hirbad oo Majuusta u qaabilsanaa dhanka dab hurinta maadaama ay ahaayeen kuwa dab caabbud ah. Waxuu ninkani keenay keyd aad ufara badan oo uu lahaa Kisraa, waxuuna ka dalbaday Xudeyfah inuu siiyo magan galyo oo uu la heshiiyo. Markaa buu Xudeyfah siiyey magangalyo iyo heshiis, markaasuu ninkii keenay sanduuq ay ka buuxdo jowharad aad u qaali ah oo tiro badan. Muslimiintii waxay isla garteen in loo diro dhanka Cumar bin Al Khaddaab si uu isagu u meel mariyo sanduuqaasi jowharadda ah. Waxaana loo dhiibay ninkii masuulka ka ahaa qaniimada. Taa kahor waxuu Xudeyfa diray Dhariif bin Saham oo uu u dhiibay bishaaradii guusha si uu ugaarsiiyo amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab. Kadib Xudeyfah waxuu qeybiyey qaniimadii oo uu ciidankii oo idil u qeybiyey.

Ammaa amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab isagu har iyo habeenba waxuu usoo jeeday duco iyo salaad isagoo u duceynayey ciidamada Muslimiinta inuu Illaahay ka siiyo guul cadawgooda oo uu uga hiiliyo. Waxaa sugnaaday in nin Muslimiinta kamid ah uu maalin ka baxay magaallada Madiina, markaasuu waxuu arkay nin raakib ah oo meel shisha kasoo bidhaamayo. Ninkii ayuu ka hor tegay oo uu weydiiyey:” Xaggee baad ka timid?

Waxuu Raakibkii ku jawaabay:” Waxaan ka imid Nahaawunda”.

Waxuu ninkii yiri:” Bal ka warran dadkii?

Waxuu yiri:” Alle baa u furay, amiirkiina waala dilay, Muslimiintiina waxay qaniimeysteen qaniimo aad u farabadan oo kii faras watay uu helay 6000, ka lugtana uu helay 2000”.

Kadib wuu iska tegay, kii reer Madiinana waxuu aaday magaalladiisii oo uu dadkii uga warramay arrinkaas. Warkii baa faafay jeer uu markii dambe gaaray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab. Markaasuu Cumar ninkii weydiiyey cidda uga warrantay warkaas?

Waxuu ninkii yiri:” Nin raakib ah baa iiga warramay”.

Waxuu yiri:” Iimuusan iman, wax kale maahee ninkaasu waa jin, la yiraahdo Cutheym”.

Kadib waxaa yimid Dhariif bin Saham oo layimid bishaaradii guusha, wax kale oo bishaarada guusha ahaynna ma uusan sidin. Markaasuu Cumar su’aalay dadka Muslimiinta laga dilay. Hase ahaatee Dhariif arrintaasi wax ogaansho ah umuusan haynin. Kadib waxaa yimid kooxdii sidday khumuska qaniimada iyo dumarkii iyo carruurtii qafaalka ahayd, kuwaasoo uu hoggaaminayey Assaa’ib bin Al Aqrac. Markaa buu Cumar wax ka weydiiyey dadkii laga dilay ciidanka Muslimiinta. Markii loo sheegay geerida Nucmaan bin Muqarrin buu amiirkii Mu’miniinta ooyey. Waxuu weydiiyey cidda lala dilay Nucmaan, markaasuu Assaa’ib yiri:” Waxaa lala dilay hebal iyo hebal iyo hebal”. Isagoo magacaabada raggii caanka ahaa ee ka tirsanaa geesiyaasha Muslimiinta. Markii amiirkii Mu’miniinta loo sheego nin kamid ah dadkii ku shahiiday dagaalka Nahaawunda, kaasoo uusan garaneyn buu gudagaleyay inuu ooyo isagoo leh:” Maxay ka tareysaa inuusan garaneyn amiirka Mu’miniinta? Hase ahaatee Alle baa garanayo oo ku sharfay shahaado. Maxay ku falayaan garashada Cumar? Kadib waxuu Cumar amray qaybinta khumuskii qaniimada sidiiba caadada u ahayd. Sanduuqii jowharadda ahaa waxaa loo qaaday gurigii Cumar. Ergadii siddayna way iska laabteen. Markii uu waabariistay Cumar oo uu sanduuqa arkay buu amray in loo yeero ergadii sidday. Hase ahaatee kal hore ayay baxeen. Markaa buu bariid ka daba diray si loo soo celiyo. Ergaygii bariidka siday muusan gaarin jeer ergadii ay ka galaan magaalladii Kuufa. Markii Assaa’ib uu arrumiyey awrkiisa magaalladii Kuufa buu ninkii bariidka siday ka daba tegey oo ku yiri:” Amiirka Mu’miniinta baa kuu yeerayo”.

Waxuu Assaa’ib yiri:” Oo maxaa jira?

Waxuu yiri:” Garan maayo”. Markaa buu Assaa’ib iyo ninkiiba ay dib ugu laabteen magaalladii Madiina. Markii uu Assaa’ib utegay Cumar buu Cumar yiri:” Oo maxaa ina kala haysto aniga iyo ina Umu Assaa’ib? Bal’ee maxaa Ina Umu Assaa’ib iyo aniga na kala haysta?

Waxuu yiri:” Assaa’ib:” Oo waa maxay taasi amiirkii Mu’miniintoow!!?

Waxuu Cumar u sheegay in uu qaado sanduuqa oo uu iibiyo kadibna uu u qeybiyo Muslimiinta, isagoo weliba ku canaantay keenidda uu keenay guriga amiirka Mu’miniinta. Intaa dabadeed Assaa’ib sanduuqii buu qaaday waxuuna geeyay magaalladii Kuufa, markaasay tujaartii oo idil kusoo heenteen. Waxaana ka iibsaday Camr bin Al Xureyth Al Makhzuumi oo ka siistay 2 000 000. Kadibna Muslimiintii ayaa loo qeybiyey. Camr bin Al Xureyth intuu qaaday buu la aaday dhulalka Cajamta oo uu soo siistay 4 000 000. Reer Kuufa waxay markaa kadib noqdeen dadkii ugu hantida badnaa Muslimiintii goballada.

Waxaa la soo weriyaa Abuu Lu’lu’ah Feyruuz oo adeega u ahaa Muqiirah bin Shucbah baa markii dumarkii iyo carruurtii laga soo qafaashay Nahaawunda la keenay magaallada Madiina oo uu Abuu Lu’lu’ah la kulmo kuray yar oo kamid ah carruurta lasoo qafaashay buu inta madaxa u salaaxo oranayey:” Cumar waxuu cunay beerkeygii”.

Waxay cullimadda siirada yiraahdaan:” Dhacdo dambe oo tan lamid ah kama aysan dhicin carrigii Majuusto, Cumarna waxuu amray in halyeeyadii Muslimiinta ee dagaalkan wacdarada kamuujiyey la siiyo min 2000 Dirham.

Furashadii Asbahaan

Sidoo kale sanadkan dhexdiisa bay Muslimiintii furteen markii ay Nahaawunda furteen ka gadaal kadib magaallada Jay’ oo ah magaallada Asbahaan kadib markii uu ka dhacay dagaal aad u daran iyo amuur aad udheer. Markaa bay Muslimiintu kula heshiiyeen magaallada. Markaasuu C/llaahi bin C/llaahi ibn Citbaan warqad magan galyo iyo heshiis ah u qoray. 30 kamid ah dadkii magaallada baa ka carareen Muslimiinta oo u carareen dhanka Karmaan, kuwaasoo aanan la heshiinin Muslimiinta.

Waxaa la yiraahdaa ninkii furtay Asbahaan waxuu ahaa Nucmaan bin Muqarrin, ayada ayaana lagu dilay, amiirka majuustuna waxuu ahaa Dul Xaajib. Waxuu ka dhacay faraskiisa markaasay calooshu dallaacday, sidaa ayuuna ku geeriyooday, markaasay asxaabtiisii jabeen.

Sida saxda ah oo xaqiiqda u dhaw culamaayi siirana ay rajaxeen ayaa waxay tahay in ninkii Asbahaan furtay uu ahaa C/llaahi bin C/llaahi ibn Citbaan. Masuulkii magaallada Kuufa.

Sanadkan dhexdiisa buu Abuu Muusal Ashcari furtay Qum iyo Qaashaan. Suheyl bin Cadiyina uu furtay magaallada Karmaan.

Ibnu Jariir iyo Waaqidina waxay xuseen in Camr bin Al Caas iyo ciidama uu hoggaaminayo ay sanadkaan aadeen dhanka Dharaabulis, halkaasoo uu Camr ku furtay heshiis 13 000 Diinaar sanad waliba.

Sanadkan dhexdiisa buuna Camr bin Al Caas u diray Cuqbah bin Naafic dhanka Zuweylah oo uu heshiis ku furtay. Barqa iyo Zuweylah inta u dhaxeysana waxay noqotay dhul nabad gelyo ah oo Musliimta gacantooda kujira.

Sanadkan dhexdiisa buu Cumar masuul uga dhigay magaallada Kuufa Cammaar bin Yaasir kadib markuu ka casilay Ziyaad bin Xandhalah, kaasoo uu usii dhiibay C/llaahi bin C/llaahi ibnu Citbaan kadib markii laga casilay. Waxuuna Cumar qaadinnimada Kuufa u dhiibay C/llaahi ibn Mascuud. Markaa bay reer Kuufa kasoo eed sheegteey Cammaar, markaasuu isagiina Cammaar ka dalbaday Cumar inuu ka casilo howsha, saa laga casilay. Waxuuna Cumar udhiibay magaallada Kuufa Jubeyr bin Mudcin. Isla durba sanadkan dhexdiisa buu Jubeyr ka qaaday oo uu u dhiibay Muqiirah bin Shucbah oo masuul ka ahaa illaa uu Cumar ka geeriyooday. Waxaa sanadkan dadka xajiyey amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, magaallada Madiinana waxuu kusii dhaafay Zayd bin Thaabit. Madaxdiisii goballadu waxay ahaayeen sidii sanadkii hore marka laga reebo magaallada Kuufa.

SANADKII 22AAD

Waxaa dhacay fatuuxaad dhowr ah sanadkan dhexdiisa, waxaana kamid ah furashadii Hamdaan mar kale, furashadii Rayi iyo wixii ka dambeeyay iyo kadib furashadii Adarbiijaan.

Waaqidi iyo Abuu Macshar waxay yiraahdeen:” Waxay ahayd (Adarbiijaan) xilligii la furtay sanadkii 22aad ee hijriyada”.

Muslimiintii markii ay ka faaruqeen Nahaawunda oo ay dhaceen dagaalladii aynu soo xusnay, la furtayna Xulwaan iyo Hamdaan bay reer Hamdaan intaa dabadeed buriyeen ballantii ay heshiiska kula galeen Al qacqaac bin Camr. Markaa buu Cumar warqad u qorey Nuceym bin Muqarrin, taasoo uu ku amrayo inuu aado dhanka Hamdaan iyo in ciidamadiisa hore uu madax uga dhigo walaalkiis Suweyd bin Muqarrin, labada dhinacna uu ukala dhiibo Ribciyi bin Caamir Al Daa’iyu iyo Muhallahal bin Zayd Al Tamiimi.

Markaa buu Nucaym dhaqaaqay jeer uu dul degay Thaniyatul Casal. Dabeeto waxuu go’doomin ku qabtay dhulkii Hamdaan, markaasay dalbadeen heshiis oo uu la heshiiyey oo uu magaalladiina galay. Goor uu kusuganyahay baladka oo ay la joogaan 12 000 oo ciidankiisii ah bay Ruumaankii, Deylamiyiintii iyo reer Rayi iyo reer Adarbiijaan warqado isu qorteen, waxayna isku raaceen la dagaallanka Nucaym bin Muqarrin iyagoo aad u tiro badan. Daylam waxaa madax u ahaa boqorkooda oo la oran jiray Mowtaa, reer Rayi-na waxaa madax u ahaa Abuu Farrukhaan, reer Aderbiijaanna waxaa madax u ahaa Isfandiyaad oo la dhashay Rustum.

Markaa buu Nucaym markuu ka war helay kula dhaqaaqay xaggooda ciidamadii Muslimiinta, waxayna ku kulmeen goob la yiraahdo Waaj Al Ruud, waxaana ka dhacay meeshaasi dagaal aad iyo aad u daran oo kudhaw kii Nahaawunda. Waxaa Mushrikiinta maalintaa laga dilay jamac aad u tiro badan oo aanan lasoo koobi karin, boqorkii Daylam-na ee Mowtaa goobtaas baa isana lagu dilay. Markay bay cududdii cadawga jabtay oo ay kala fiigeen. Waxuu ahaa Nucaym bin Muqarrin qofkii ugu horreeyay ee asagoo hoggaaminaya Muslimiinta la dagaallamo Daylam.

Intaa dabadeed waxuu Nucaym diray khumuskii qaniimada oo uu udhiibay saddex kamid ah imaraadii ciidanka, kuwaasoo la sheegay inay kala ahaayeen Simmaak bin Kharash, Simmaak bin Cubayd iyo Simmaak bin Makhramah. Markii ay Cumar u tegeen ayuu su’aalay magacooda? Markaasay iyana usheegeen. Suu Cumar yiri:” Allaahuma amsik bihim Al Islaam, (Yacni Alloow Islaamka ku adkee)”. Kadib buu Cumar warqad u qoray Nucaym isagoo ku amrayo in uu Hamdaan masuul ku dhaafo oo isaguna uu aado dhanka Rayi.

Furashadii Rayi

Waxuu Nucaym ku dhaafay Hamdaan Yaziid bin Qeys Al Hamdaani, isagiina waxuu aaday dhanka Rayi isagoo fulinayo amarkii amiirka Mu’miniinta Allaha ka raalli noqdee, waxuuna halkaa kula kulmay ciidama Mushrikiin ah oo aad u tiro badan. Waxaana ku dhexmaray dagaal daran goobta buurta Rayi adgeeda, halkaasoo ciidamadii Muslimiinta ay maalintaa muujiyeen adkeysi iyo sugnaan aad xad dhaaf u ah. Kadib waa ay jabeen cadawgii, waxuuna Nucaym ka laayey maqtalo aad utiro badan, isagoo ka furtay hanti farabadan qaniimo ahaan, taasoo kudhaw tii ay Muslimiintu ka heleen Madaa’in. Kadib buu Nucaym heshiis kula galay Rayi ninkii masuulka ka ahaa oo la oran jiray Abuu Farkhaan, waxuuna taasi ugu qoray warqad magan galyo ah. Kadibna Nucaym bishaaradii guusha iyo khumuskii buu udiray dhanka amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab.

 

Furashadii Quumus

Markay bishaaradii guusha iyo khumuska qaniimadii ee Rayi ay gaareen amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab Illaahay haka raalli noqdee, buu warqad u qorey Nucaym bin Muqarrin, taasoo uu ku amrayo in uu diro walaalkiis Suweyd bin Muqarrin oo uu u diro dhanka Quumus. Markaa buu Suweyd ku dhaqaaqay dhanka Quumus oo uu si nabad galyo ah ku furtay isagoo aysan wax dhib ahi ka hor iman, halkaa ayuuna ciidamadiisii dejiyey. Waxuuna dadkii halkaa deganaa u qoray warqad magangalyo iyo heshiis ah.

Furashadii Jurjaan

Markii uu Suweyd ciidamadiisii dejiyey Quumus, baa dadkii agagaarkaasi deganaa oo ay kamid ahaayeen reer Jurjaan, Dhabaristaan iyo kuwa kaloo qeyrkooda ah ay usoo cid dirsadeen iyagoo ka dalbanayo inuu kula heshiiyo inay bixiyaan jizyo oo uu magangalyo iyo hishiis u qoro. Markaasuu dhammaan u qoray warqad magan galyo iyo heshiis ah oo uu sidaa kula heshiiyey inay jizyo bixiyaan.

Waxuu Xusay Madaa’ini in Jurjaan la furtay sanadkii 30aad ee hijriyada, waqtigii Cusmaan bin Caffaan. Wallaahu aclam.

Furashadii Aderbijaan

Markii uu Nucaym furtay Hamdaan, baa intuusan Rayi u dhaqaaqin waxuu diray Bukeyr bin Cabdillaahi Al Leythi oo uu ka diray Hamdaan, waxuuna u diray dhanka Aderbiijaan. Waxuu kadaba diray Simmaak bin Kharash.

Waxay Bukeyr iyo asxaabtiisii la kulmeen Isfandiyaad ibnu Farakhzaad oo ahaa ninkii madaxda ka ahaa Aderbiijaan ka hor intuusan soo gaarin Simmaak. Markaasaa waxaa dhex maray dagaal uu Alle ku jebiyey Mushrikiintii, Bukeyrna uu kusoo qafaashay Isfandiyaad.

Markaasuu ku yiri:” Ma waxaad jeceshay heshiis ama dagaal?

Waxuu yiri:” Bal’ee heshiis”.

Markaasuu ku yiri:” Haddaba iga gunnud”. Markaasuu ka guntay. Markaa buu Bukeyr guda galay inuu dhulkaasi qeyb qeyb u furto, Cutbah bin Farqad qudhiisu dhanka kale ayuu qeyb qeyb uga soo furanayey dhulalkaas oo uu dhul furashadu ka waday. Kadib waxaa timid warqaddii Cumar. Taasoo uu ku amrayo in Bukeyr uu aado dhanka Baab, booskiisuna uu ku sii dhaafo Simmaak si uu masuul uga sii ahaado Cutbah oo dhulka Aderbiijaan oo idil uu markaa Cumar madax uga soo dhigay. Markaa buu Bukayr Isfandiyaad u dhiibay Cutbah, suu isagiina kudhaqaaqay dhanka Baab siduuba soo amray amiirkii Mu’miniinta.

Markay u taam noqotay furashadii dhulka Aderbiijaan bay Cutbah iyo Bukeyr, bishaaradii guusha iyo khumuskii u direen dhankii amiirka Mu’miniinta, dadkii dhulkaa deganaana ay warqad magangalyo iyo heshiis ah u qoreen.

Furashadii Baab

Sanadkan dhexdiisa buu Cumar warqad u qoray Suraaqa bin Camr oo lagu laqibo Din Nuur, si uu ugu duulo dhanka Baab, waxuuna soo amray in ciidankiisa hore uu madax uga dhigo C/Raxmaan bin Rabiicah oo isaguna laqabkiisu yahay Din Nuur, waxaa kaloo la yiraahdaa Din Nuun. Labada dhinac ee ciidankaasi mid kamid ah waxuu soo amray in madax looga dhigo Xudeyfah bin Usayd, halka dhinaca kalena uu soo amray in madax looga dhigo Bukeyr bin C/laahi Al leythi oo isagu meesha kusii horeeyay. Qeybinta qaniimada waxaa loo xilsaaray Salmaan bin Rabiicah.

Markaa bay dhaqaaqeen siduuba soo amray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab. Markii ciidamadii hore ee uu hoggaaminayey C/Raxmaan bin Rabiica ay gaareen boqorkii halkaa oo la oran jiray Shaharbaraaz boqorkii Armeeniya, baa C/Raxmaan warqad usoo qorey, waxuuna ka dalbaday magan galyo, markaasuu siiyey magan. Markaa buu boqorkii u yimid C/Raxmaan oo uu ka codsaday inuu la heshiiyo oo heshiis uu uga gunto Muslimiinta. Markaasuu C/Raxmaan ku yiri:” Waxaa jiro nin aniga iga sarreeyo ee uteg”. Markaasuu u tegay Suraaqa bin Camr oo uu weydiistay magan galyo iyo heshiis. Markaasuu Suraaqana ka yeelay oo siiyey magan iyo heshiis. Kadib buu arrintaasi u qorey amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, Cumarna wuu kaga raalli noqday wixii magan iyo heshiis ah ee uu la galay. Kadib waxuu Suraaqa diray Bukeyr bin C/llaahi, Xabiib bin Maslam, Xudeyfah bin Usayd iyo Salmaan bin Rabiicah, oo uu u diray dadkii deganaa buuraha ku hareereysan Armeeniya, buuraha kala ah Al- Laan, Tafliis iyo Mowqaan. Bukeyr waxuu furtay Mowqaan, waxuuna u qorey warqad magan galyo ah dadkii halkaasi deganaa. Amiirkii ciidamada Muslimiinta ee Suraaqa bin Camr-na goobtaas ayuu ku geeriyooday, waxaana dabadii xilkiisii qabtay C/Raxmaan bin Rabiicah. Cumar bin Al Khaddaab markay gaartay geerida Suraaqa wuu ka murugooday wuuna u duceeyay, una raxmad dalbay. Markii uu maqlay in dabadii uu xilkii qabtay C/Raxmaan bin Rabiica buu kaga raalli noqday, waxuuna amray inuu ku duulo dhulka Turkiga.

Duullaaankii Ugu Horreeyay Ee Turkiga

Markay C/Raxmaan u timid warqaddii amiirka Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, taasoo uu ku amrayey inuu ku duullo Turkiga buu ku dhaqaaqay dhankii Turkiga jeer uu gooyey Baab isagoo fulinayo amarkii amiirka Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab. Dabeeto waxaa la kulmay Shaharbaraaz oo ku yiri:” Xaggee baad ku jeeddaa?

Waxuu yiri:” Waxaan doonayaa boqorka Turkiga ee kusugan Balanjar”. Markaasuu Shaharbaraaz usheegay inaysan jirin wax dhanka Baab ka dambeeyo. Hase ahaatee C/Raxmaan ayaa ugu jawaabay:” Illaahay baa xaggayaga usoo diray Rasuul, waxuuna nalagu ballamay carrabkiisa guul iyo gacansarreyn, innaguna kamaanan suulin inaanu ahaanno kuwa guuleysto”. Markaa buu dhulkii Turkiga ku duullay oo uu gaaray dhulka Balanjar. Intaa kadib waxay dhacdooyinkii waa weynaa ee Turkigu dhaceen waqtigii Cuthmaan bin Caffaan Allaha ka raalli noqdee.

Qisadii Yazdajrid Bin Shahrayaar

Markii uu Sacad kala wareegay wixii gacantiisa ku jiray iyo magaalladii boqortooyadiisa, iyo saldhiggii saldanadiisa, waatuu Xulwaan u cararay, kadibna ay Muslimiintii kadaba yimideen, markaasuu Xulwaan uga sii wareegay Rayi. Markaa waxaa dhacday in Xulwaanna ay kala wareegeen ciidamadii Muslimiinta. Dabeeta waxaa looga daba tegay Rayi, markaasuu u wareegay Asbahaan, oo Rayi-na ay la wareegeen Muslimiinta. Kadib waxay uga daba tegeen Asbahaan, markaasuu usii cararay Karmaan. Dabeeto Muslimiintii baa ka daba tegtay oo Asbahaan iyo Karmaanba ka furteen. Markaasuu u guuray dhulka Khuraazaan oo uu degay, Sidooy tahay dabkii uu caabbudi jiray kamuusan harin oo wuu la socday, meel ama goob iyo waa’ uu degaba waa ay u hurinayeen oo uu caabbudayey. Waxuu saarnaa awr loo dul dhigay howdaj uu dhex jiifanayey. Waxaa dhacday goor uu dhex jiifo howdajkiisa bay toosiyeen, markaasuu aad uga carooday oo uu caayey. Waxuuna ku yiri:” Waxaad ii diiddeen inaan ogaado muddada u hartay kuwan ee ay ku sugnaanayaan dhulkan iyo dhulalka kalee qeyrkiis ah. Waxaan riyo ku arkay Muxammed (SCW) oo kan ah oo jooga agta Rabbigiisa, markaasuu (Rabbi) ku yiri:” Boqortooyaddiinnu waa 100 sano”.

Waxuu yiri:” Iigu dar”.

Markaasuu ugu daray oo uu) ku yiri:” Waa 110 sano”.

Markaasuu yiri:” Iigu dar”.

Markaasuu (ugu daray oo uu) ku yiri:” Waa 120 sano”.

Waxuu yiri:” Iigu dar”.

Markaasuu ku yiri:” Adigaa leh”.

Waxuu yiri Yazdajrid isagoo sii hadlayo:” Markaas baad i toosideen, haddii aad iska kaydeyn lahaydeenna waxaan ogaan lahaa muddada umaddan”.

Waqtigii khilaafadii Cuthmaan ayaa la dilay boqorkii, oo khaatuma xumo ayuu ku dhintay. ayadoo nin reer miyi ah uu kurka ka jaray.

Duullaankii Khuraazaan

Taasu waxay ahayd in Axnaf bin Qeys uu u ishaaray Cumar in Muslimiintu ay isku waasiciyaan dhulalka oo ay furtaan dhulalka Cajamta, oo ay ciriiri geliyaan Yazdajrid. Waaba tii uu markaa Yazdajrid gudo galay inuu dadkiisa ku booriyo la dagaallanka Muslimiinta sidaynu soo xusnay.

Markaa buu Cumar u ogolaaday inay ciidamada Muslimiinta isku waasiciyaan arlada, waxuuna amray in Axnaf bin Qeys uu ku duulo dhulka Khuraazaan oo uu kula dagaallamo Yazdajrid. Markaa buu Axnaf galay Khuraazaan oo uu ka furtay Harraah isagoo ku furtay xoog, waxuuna ku dhaafay Suxaar bin Filaan Al Cabdiyu, dabeetana waxuu aaday dhanka Marwi Shahjaan oo uu markaa kusugnaa Yazdajrid. Waxuu markaa Axnaf diray hortiisa Madhrif bin C/llaahi bin Shukheyr oo uu udiray dhanka Naysaabuur, Xaarith bin Xasaanna waxuu u diray dhanka Sarkhas.

Markii uu Axnaf u dhawaaday Marwi Shahjaan buu Yazdajrid ka guuray oo uu u wareegay dhanka Marwi Ruud, markaasuu Axnaf furtay Marwi Shahjaan oo uu degay.

Markii uu Yazdajrid degay Marwi Ruud oo ahayd caasimaddii Khuraazaan buu warqad u dirsaday boqorkii Turkiga ee Khaakhaan isagoo gurmad weydiisanayo. Sidoo kale waxuu warqad u dirsaday boqorkii Safad isagoo ka dalbanayo inuu gurmad usoo diro. Waxuu kaloo warqad u dirsaday boqorkii Shiinaha isagoo ka kaalmo ka dalbanayo. Markaa buu Axnaf bin Qeys-na ku dhaqaaqay dhanka Marwi Ruud, oo Marwi Shahjaanna waxuu kusii dhaafay Xaaritha bin Nucmaan. Markaa iyada ahi waxaa Axnaf uga yimid magaallooyinka Kuufa iyo Basra ciidama gurmad oo ah afar qeyb. Markii ciidamadii bidaxda ee Axnaf ay gaareen Yazdajrid buu u guuray Balakh, markaasay isku heleen goobta Balakh, halkaasoo uu Alle ku jebiyey cadawga iyo ciidamadii Yasdajrid. Markaasay carareen isaga iyo intii la baxsatay oo kamid ah asxaabtiisii, waxayna gooyeen webigii oo ay galeen dhulka Turkiga.

Intaa kadib dhulkii Khuraazaan oo idil waxuu hoos yimid Axnaf bin Qeys, markaasuu magaallo kasto u sameeyay masuul gaar ah, markaa buu isagiina ku laabtay Marwi Ruud oo uu caga dhigtay, xarunna uu ka yeeshay. Kadib buu Axnaf bin Qeys dhankii Cumar u qorey warqad uu kula socodsiinayo qaabkii iyo dhulalkii uu ka furtay Khuraazaan guud ahaan. Kadib Cumar waxuu warqad u qorey Axnaf bin Qeys, taasoo uu ku amrayo inuusan gudbin webiga oo uu kusugnaado inta gacantiisa kujirto oo dhul ah.

Kadib Yazdajrid iyo Khaakhaan Al Akbar boqorkii Turkiga iyo Junuud aad u tiro badan ayaa dib usoo laabtay oo webiga soo gooyey, waxuuna Yazdajrid lasoo laabtay ciidamo aad u tiro badan, waxayna soo gaareen Balakh, markaasay masuuliyiintii Axnaf bin Qeys u wada carareen magaalladii uu Axnaf kusugnaa ee Marwi Ruud. Yazdajrid iyo Turkidiina waxay kasoo dhaqaaqeen Balakh oo ay dul degeen Marwi Ruud oo uu markaa kusugnaa Axnaf bin Qeys. Markaasuu Axnaf bin Qeys lasoo dhaqaaqay ciidamadiisii Kuufiyiinta iyo Basriyiinta dhammaan oo markaa ay tiradoodu ahayd 20 000.

Axnaf bin Qeys waxuu ahaa nin ku xeel dheer arrimaha militerinnimada oo waxuu ahaa mid kamid ah ragga qorshahaasi looga dambeeyo, waxuu diyaariyey ciidamadiisii oo uu tiro yaridii kamuuqatay uu ku kaabay isagoo ciidanka si qurux badan udhisay, kadib ciidamadii buu ka dhex istaagay oo uu u khudbeeyay waxuuna ku yiri:” Waad yartihiin, cadawgiinnuna waa ay badan yahiin”. Waxuu markaa akhriyey qowlka Alle kor ahaaye:”Immiso ayay koox yari ka adkaatay koox badan Alle idinkiisa, Illaahayna wuxuu la jiraaa kuwa sabra” Al Baqrah aayadda 249aad.

Turkidu waa ay soo baxayeen maalinta oo ay dagaallamayeen, muusanna garaneynin Al axnaf bin Qeys halka ay habeenkii qabtaan ee ay ku xaroodaan.

Goor habeen ah bay isaga iyo xayn kamid ah ciidamadiisii geesiyaasha ay isasoo raaceen oo ay raadiyeen halka ay galaan Khaakhaan iyo ciidamadiisa, waxayna goor subax ah oo waa’ beri ah arkeen rugtii Turkida. Markaasuu arkay Axnaf nin meel kasoo baxayo, suu xaggiisii u dhaqaaqay oo dilay, dabeeto mid kale baa soo baxay, markaasuu kiina dilay, misna waxyar kadib mid saddexaad baa soo baxay suu isagiina dilay. Markaasuu Axnaf si dhaqsi ah ugu laabtay goobtiisii. Markii ay ciidankii weynaa ee Turkida soo baxeen, waxay arkeen saddexdoodii nin oo mayd ah, wayna baaseeysteen arrinkaas. Turkida waxaa caado u ahayd inaysan soo bixin aroorta hore jeer ay marka hore soo diraan saddex nin oo akhyaartooda kamid ah. Markay tani ku dhacday way ka xumaadeen, wayna baaseeysteen. Markaasuu boqorkoodii Khaakhaan ku yiri:” In badan baynu halkaan joognay, waxayna kuwani inagu asiibeen goob aanan horey naloogu asiibin. Wax faa’iido ah oo aanu ka heleyno majirto la dagaallanka qoomka kan ee inaga celiya”.

Markaa bay dhulkoodii u laabteen. Muslimiintu maalintaa way sugayeen inay usoo baxaan oo ay is helaan, hase ahaatee wax usoo baxo maysan arag. Illeen waa dad dhanka kale ka dusay oo dhulkoodii ku laabtaye.

Kisraa isagu doqonnimadiisii iyo darxumadiisii iyo daciifnimadii caqligiisa ayuu la laabtay isagoo khasaaray oo dulloobay oo aanan helin wax faa’iido ah haba yaraatee. ”Cidduu Alle lumiyo ma u heleysid jid”. Suuratu An Nissaa aayadda 88aad.

Arrintii waxay ku noqotay Maxaad sameysaa? iyo halkee baad ciirsataa? Qaar kamid ah dadkiisii oo kamid ahaa kuwii caqliga u saaxiibka ahaa ee kamidka ahaa garaadyadii garashada fogaa baa markuu ku yiri:” Waxaan goostay inaan aado dhulka Shiinaha ama aan iska ag fadhiyo boqor Khaakhaan”. Waxay ku yiraahdeen ” Waxaanu aragnaa inaanu la heshiinno qoomkan, waayo waa dad diin ay ulaabtaan leh, oo aan degno bar kamid ah dhulkan, oo aan la derisno, iyaga ayaa inooga kheyr badan kuwa kalee?

Kisraa Yazdajrid wuu ka diiday fikraddaasi quruxda badan ee saliimka ahi, ee indheergaradyadii tolkiisa ay usoo jeediyeen, wuxuuna ka doortay gunnimo iyo khaatumo xumo, wax aanan indho la’aantiisii ahaynna ma uusan aqbalin.

Kadib waxuu u cid dirsaday boqorkii Shiinaha, isagoo ka gurmad iyo kaalmo dalbanayo, markaasuu boqorkii Shiinaha weydiiyay ergaygii Yazdajrid sifada qoomkan (Muslimiinta ah) iyo sidey ku furteen dhulkan oo ay kaga adkaadeen? Markaasuu ergaygii uga warramay sifadooda iyo sida ay faradaha iyo awrta u fuulaan iyo waxa ay sameeyaan iyo sida ay u tukadaan dhammaanba.

Markii uu boqorkii Shiinaha dhageystay dhammaan sifooyinkii looga sheegay Muslimiinta buu warqad u qoray Yazdajrid isagoo ku leh:” Ma jirto arrin ii diideyso inaan kuusoo diro ciidan horraantiisu ay tahay Marwa aakhirkiisuna ay tahay dhulka Shiinaha. Hase ahaatee qoomkan uu ii sifeeyay ergaygaadu sifadooda, hadday buuruhu damcaan waa ay duminayaan, haddii aan kuu imaado si aan kuugu gargaarana waa ay i baaba’inayaan inta ay kusuganyahiin waxa uu iiga sifeeyay ergaygaadu ee kula heshii dhulka”.

Yazdajrid isagu waa looga adkaaday dhulkiisii isaga iyo ehelkiisiiba, muddo yar kadib geeridii Cumar ayuu khaatumo xumi ku dhintay isagoo nin reer miyi ah uu bireeyay.

Markii Cumar bin Khaddaab ay gaartay bishaaradii guusha ee dhulka Khuraazaan buu Muslimiintii u khudbeeyay oo uu ku booriyey cabsida Allaah iyo sugaanan iyo toosnaan iyo Alle ka cabsi. waxuu xasuusiyey in uu Alle dhaxalsiiyey boqortooyadii Kisraa ee iyadu adduunka boqollaalka sanadood ka talin jirtay iyo guryahoodii iyo hantidoodii iyo carruurtoodii si uu Alle u eego waxa ay falaan.

Iimaam Dahabi wuxuu leeyahay:- Sanadkan ayaa la furtay Aderbiijaan, waxaana furtay Muqiirah bin Shucbah. Waxaa la sheegaa inuu kula heshiiyey 800 000 oo Dirham. Wallaahu aclam. Waxaa kaloo la sheegaa inuu furtay Xabiib bin Maslama oo wata ciidamada badan oo Shaam ka yimid, sidoo kalena ay la socdeen qaar kamid ah ciidamadii Kuufa, waxaana la socday oo kamid ahaa Xudeyfa bin Yamaan. Waxaa la sheegaa inuu xoog ku furtay Xabiib, wallaahu aclam.

Sidoo kale sanadkan ayuu Xudeyfa bin Yamaan Maahsandaan ku furtay xoog, kadib markii ay buriyeen heshiis ay horey ula galeen Sacad bin Abii Waqaas. Waxaana Xudayfa la socday ciidama badan oo ka yimid Basra waxaa kaloo u tegay ciidama ka socday magaallada Kuufa, markaasay labada qolo isku khilaafeen qaniimada, dabeeto Xudayfa wuxuu warqad u qoray amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, asagoo ogeysiinaya xaallada ay isku qabsadeen ee ah qaniimada. Cumarna wuxuu soo amray inuu siiyo dadkii ka qeyb qaatay dagaalka oo kaliya.

Khaliifah bin Khayaad wuxuu xusay in sanadkan uu Camr bin Al Caas furtay Daraabulis.

SANADKII 23AAD

Sayf bin Cumar wuxuu xusay in sanadkan la furtay Towj oo uu furtay Majaashac bin Mascuud ka gadaala markii uu Faarisiinta kaga laayay dagaal maqtala aad u badan, kana qaniimeystay qaniima aad u badan. Markaas buu ku waajibiyey inay jizyo bixiyaan dadkii halkaa deganaa.

Sidoo kale Cuthmaan bin Abul Caas Al Thaqafi ayaa isaguna furtay Jowr dagaal daran ka dib. Dabeeto mar kale ayay furteen Isdhakhar, ka gadaal markii ay buriyeen ballantii uu Calaa bin Al Xadrami horey ula galay. Kadib Shahrak ayaa ballantii uu horey Muslimiinta ula galay buriyey, oo Faarisiintiina kiciyey si ay Muslimiinta ula dagaallamaan. Arrintaasi markuu Cuthmaan ka war helay wuxuu udiray walaalkii Xakam bin Abul Caas. Markaas bay is heleen labadii qolo oo dagaal dhex maray, dabeetana Xakam wuxuu dilay Shahrak iyo wiilkiisii. Sidaa ayayna kaga guuleysteen.

Furashadii Fasaa iyo Daar-Abjarad

Sanadkan ayuu Jaariyah bin Zaniim aaday dhanka Fasaa iyo Daar- Abjarad, halkaasi waxaa ugu aruuray jamac Faarisiin ah iyo Kurdi oo weliba aad u badan. Markaas ayuu Cumar habeen seexday oo arkay riyo muujineyso dagaalkaasi, wuxuu arkay Muslimiintii iyo cadawga oo is helay iyagoo isku helay goob saxara ah iyo buur weyn oo daanta dambe ee Muslimiinta tiillay, oo haddii ay Muslimiintu gabbaad ka dhigtaan aanan dhinac kale looga iman karin. Subaxii ayuu Cumar amray in Muslimiintu masjidka isugu yimaadaan salaadda jamaacada, markiina la gaaray waqtigii uu riyada ku arkay ayuu mimbarkii fuulay oo u khudbeeyey oo uga warramay wixii uu arkay, asagoo khudbaddii wado, ayuu mar qura yiri:- Saariyoow!! buurta buurta!!. Waxay ahayd xilli ay ciidamada halkaasi ka dagaallamaya ku jireen halis xun oo cadawgu dhabar jebin darani la maagganaa. Sidaa daraaddeed Saariyah wuxuu maqlay dhawaqii Cumar, inkastoo uu joogay meel aad uga fog magaallada Madiina ee uu xilligaasi Cumar kusugnaa. Markii uu maqlay Saariyah dhawaqaasi, wuxuu owday halkii halista, oo dabeetana cadawgii ka guuleystay. Halkaasi Muslimiintii waxaa ay ka qaniimeysteen maal badan, waxaana kamid ahaa maalkaasi sanduuq jawharad ah. Sanduuqii iyo khumuskii qaniimada iyo bishaaradii guusha ayuu u diray Saariyah dhankii amiirka Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab.

Duullaankii Kurdida

Kadib ciidama badan oo Kurdi ah ayaa waxay isu aruursadeen inay Muslimiinta la dagaallamaan, dabeetana Abii Muusa Al Ashcari ayay isku heleen Nahru Tayr. Kadibna Abii Muusa Al Ashcari wuu ka leexday oo wuxuu aaday dhanka Asbahaan, iyagiina wuxuu kusii dhaafay ciidama culus oo uu hoggaaminaya Al Rabiic bin Ziyaad, ka gadaal markii la dilay walaalkiis Muhaajir bin Ziyaad. Kadib Al Rabiic bin Ziyaad iyo Mushrikiintii waxaa dhex maray dagaal aad u daran oo uu durba ku jebiyey cadawga kagana adkaaday. Waa ayna jabeen, oo firxadkoodii baa kala fiigay. Wuxuuna halkaasi ka qaniimeystay qaniimo aad u badan. Kadibna khumuskii qaniimada iyo bishaaradii guusha ayuu u diray dhankii Cumar bin Khaddaab Illaahay haka raalli noqdee.

Isla sanadkaas ayuu Dibbah bin Muxsin Al Canasi u tegey Cumar bin Khaddaab isagoo kaga eed sheeganaya Abii Muusa Al Ashcari, dabeeta Cumar wuxuu u yeeray Abii Muusa Al Ashcari, isagiina waxyaaba badan ayuu ka cududaartay, Cumarna wuu u cududaaray, sidoo kale Dibbana wuu u cududaaray, dabeeta Abii Muusa Al Ashcari, wuu laabtay wuxuuna aaday magaalladii Basra, oo uu salaad tujinta madax ka ahaa.

Qaar Kamid Ah Wax Qabadkii Cumar

Ma aynu wada xusi karno wax qabadkii Cumar, waxaase laga dhugan karaa siiradiisii iyo dhulfurashooyinkiisii. Cumar bin Khaddaab wuxuu ahaa khaliifadii labaad ee Khulufaa’u Raashidiinka, wuxuuna ahaa afarta Khaliif kii ugu dhul furasha badnaa. Wuxuu furtay buurahii Furus iyo beeraheedii iyo qalcadahoodii, sidoo kale wuxuu furtay guud ahaan dhulka Shaam, Jaziiradda, Muusal, Armiiniya, Masar iyo Aleskandariya. Wuxuu geeriyooday askartiisii oo joogta Bilaadu Rayi, wuxuuna Shaam ka furtay, Busra, Dimishiq, Yarmuuk, Urdun, Bayzaan, Dabariyah, Jaabiyah, Falastin, Ramallah, Iiliyaa, Casqalaan, Ghaza, Xeebaha, Qudus, , Baclabak, Ximsa, Qinnasriin, Qeysaariyah, Xalab iyo Andaakiyah iyo qeyrkooda. Masar wuxuu ka furtay Aleskandariya, Darabulis Al Qarb iyo Barqa iyo kuwa kale. Dhanka Furus wuxuu ka furtay Qaadisiyah, Xiirah, NaharShiir, Saabaadh, Madaa’in, Xulwaan, Dajla iyo Furaat, Ablah, Basra, Ahwaas, Hamdaan, Nahaawunda, Baabil, Quumas, Dhulka Khuraazaan, Isdhakhar, Asbahaan, Suus, Marwi, Naysaabuur, Maasabadaan, Maah, Jurjaan iyo Aderbijaan iyo qeyrkooda. Askartiisu markaasi waxay goosheen webiga la yiraahda Nahru Maraar, ayagoo horey usii socdo.

Cumar wuxuu ahaa mid ay cabsidiisu darantahay, oo Alle ka cabsi badan, aqriyo Quraanka in badan. Indhihiisu waxaa madoobeyey ilmada siduu u oynayay Alle dartii. Hurdadiisu waa ay yareyd, cunnadiisuna sidoo kale, wuxuu ahaa mid raaca oo ogaada xaallada raciyadiisa. Habeenkii waa uu wareegi jiray si uu u ogaada xaallada ay raciyaddiisu ku sugantahay. Ma uuna lahayn wax waardiya ah, masjidka ayuu iska seexan jiray asagoonan waxba ka cabsi qabin. Qofkii ka yimaada goballada oo aanan horey Cumar u arag kama uuna dhex garan karayn dadka, waayo wuxuu fali jiray inuu lamid noqdo bulshadiissa. Asagoo ay awooddiisu gaadhay Furus iyo Shaam iyo Khuraazaan, ayuu haddana ceeshkiisu ahaa muufo qalalan iyo milix iyo saliid. Sidaa oo ay tahay ma uuna badsan jiray fawaakihda iyo macmacaanka adduunka. Wuxuu ahaa mid ka saahiday dunida iyo dhalanteedkeeda. Dhanka kale wuxuu ahaa mid ku ad adag amarka Alle. Wuxuu ahaa mid ku ad adag masuuliyiintiisa goballada oo daba gal kusameeyo, wuxuuna ka codsan jiray qofkii uu masuul ka dhigaya, inuuna dhisan guri weyn oo qurux badan iyo inuuna badsan cunooyinka dufanta leh sida hilibka iyo inuuna sidoo kale badsan macmacaanka adduunka. Wuxuu kaloo amri jiray in albaabadoodu ay iska furnaadaan. Haddii arrimahaasi mid kamid ah ay kudhacaan, wuxuu oran jiray:- Waxaa idinku waajibeyso ciqaabteyda. Khaatimka uu wato waxaa ku naqshadeysnaa (kafaa bil mowt waacidan yaa Cumar!!).

Wuxuu ku seexan jiray firaash ka sameysan liif, wuxuuna gaadiid ahaan u isticmaali jiray dameer gaaban, iskama uu weyneyn jirin dadka, inta badan masjidka ayuu kusugnaan jiray. Qosalkiisu aad buu u yaraa, aayadaha Quraanka ayuu ku tadaburi jiray, wuuna ooyi jiray markuu maqla qowlka Alle. Wejigiisu waxaa ku yiillay laba xariiq oo madow ah oo ay ilmadu sameysay.

Wuxuu aad ugu wanaagsanaa caddaaladda, waxaana caddaaladdiisu ay gaartay xitaa inaanan la dulmin gaalladii ku hoos nooleyd Islaamka. Taariikhdiisii ayaynu ka bogan karnaa heerkii ay gaadhay caddaaladdiisii.

Arrimahaasi oo idil waa kuwa u suuro geliyey inuu noqdo amiir la jecelyahay oo geygigoo idil laga heybeysto, wanaaggii iyo waxyaabahii uu Islaamka u qabtayna waa midaanan lasoo koobi kareyn, waa halka ay saxaabadu ka yiraahdaan:- Islaammiddiisu waxay ahayd guul, imaaraddiisiina (xukunkiisii) waxay ahayd dhul furasho.

Caddaaladdiisii & Alle ka Cabsigiisii

Caddaaladdii Cumar waa midaanan la soo koobi karin, waxayna noqotay mid taniyo maanta tusaale loosoo qaato. Wuxuu ahaa masuul umaddiisa u caddaalad fali jiray, kuna caan baxay caddaaladda, oo ay geyigii oo idil camirtay cadligiisii. Haddaba waxaanu soo qaadaan doonnaa dhowr qiso oo ina tusinaya caddaaladdii Cumar Illaahay haka raalli noqdee.

  1. Cabdiraxmaan bin Cumar bin Khaddaab iyo Abuu Surcah Cuqbah bin Al Xaarith ayaa waxay maalin cabbeen khamri jeer ay sakraameen, ayagoo markaasi kusugnaa dhulka Masar. Markaas buu C/Raxmaan u tegey amiirkii dhulkaas oo ahaa Camr bin Al Caas, oo ka dalbaday inuu xadka ka oofiyo bacdamaa uu sakraamay. Saa C/llaahi bin Cumar oo asaguna dhulka Masar markaasi kusugnaa ayaa walaalkiis madaxa ka xiiray, kadibna Camr bin Al Caas baa jeedalay oo ka oofiyey xadkii. Arrintaasi waxay gaadhay amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab, markaasuu warqad usoo diray dhanka Camr bin Al Caas asagoo ku oranaya:- Iisoo dir C/Raxmaan bin Cumar, adiguna Alle u toobad keen. Markaasi buu Camr bin Al Caas sidii falay oo u diray dhankii Cumar. Markii C/Raxmaan uu u tegey aabahiis, ayuu jeedalay oo ciqaabay ciqaad ka weyn middii loogu tala galay xadka cabbidda khamriga. Dabeetana wuu xabbisay. Markaas buu wilkii xanuunsaday, kadibna wuu geeriyooday. Al Faaruuq uma kala soocneen dadka, kan xad ku dhaco ha noqdo mid uu dhalay ama uu jecelyahay, ama ha noqdo mid kamid ah bulshada, wuxuu marsiin jiray mudnaantiisa. Siiba ehelladiisa wuu u labanlaabi jiray ciqaabta.

C/llaahi bin Cumar wuxuu yiri:- Haddii uu Cumar bulshada arrin ka reebo, wuxuu kulmin jiray ehelkiisa, oo ku oran jiray:- Waxaas iyo waxaas ayaan dadka ka reebay, dadkuna adinka ayay idin fiirsanayaan sida shimbirtu ay hilibka u fiirsato oo kale. Haddii aad ku dhacdaan, iyana way ku dhacayaan. Haddiina aad ka dhowrsataan, iyana way ka dhowrsanayaan. Illaahay baan kudhaartaye, ninkii idinka mid ah ee ku dhaca wax aan reebay, waan u laban laabi doonaa ciqaabta, halka uu iga joogo darteeda (maxabbada aan u hayo darteed, si ay dadka u arkaan inaan qof kasto ku ciqaabi doono arrinkaasi). Haddaba qofkii doono ha ka gaabsada kii doonana ha falo.

  1. Al Muwadda’a Imaam Maalik waxaa ku sugan oo laga soo weriyey Saciid bin Musayb in Cumar ay u tegeen laba nin oo doodeyso oo wax isku haysto, oo midi Muslim yahay ka kalena uu Yahuudi yahay. Markaas baa waxaa Cumar u caddaatay in xaqu uu leeyahay ninka Yahuudiga, suu u guday xaqiisii. Markaas buu Yahuudigii yiri:- Dhab ahaan Illaahay baan ku dhaartaye, si xaq ah baad ku xukuntaa. Markaasuu Cumar weydiiyey:- Maxaad ku ogaatay? Markaasuu Yahuudigii ku yiri:- Waxaan kutubtayada ka heleynaa inuuna jirin qaaddi wax ku xukminaya si xaq ah, illaa waxaa labadiisa dhinac ka xiga labo malag midig iyo bidix. Kuwaasoo ku toosinaya xaqa inuu falo mar waliboo uu xaqa lasocdo. Markii uu ka tego xaqa, bay labadaasi malagna ka tagayaan.
  2. Dhalxa bin Cubaydillaah wuxuu yiri:- Cumar baa habeen mugdiga kusoo baxay wuxuuna galay guri. Markii aan waabariistay ayaan gurigaasi aaday, oo waxaaba kudhex sugan haweeney duq ah oo indho la’. Markaasaan ku dhahay:- Waa maxay ninkaan kuu yimaada xaalkiisa? Markaasay tiri:- Wuxuu ii imanayay taniyo muddada sidaa iyo sidaas ah, wuu ii yimaadaa oo howsha ii qabtaa, oo guriga ii haggaajiyaa.
  3. Aslam Mowlaa Cumar waxaa uu yiri:- Habeen baan u la baxay Cumar duleedka magaallada Madiina, markaasaanu aragnay iftiin bidhaamaya oo aanu aadnay xaggiisii. Markaan u tegnay waaba haweeney fooli hayso oo ooyeyso. Markaasuu Cumar weydiiyey xaaladdeeda? Say ku tiri:- Waxaan ahay haweeney Carab reer miyi ah, wax aan haystana ma jirta. Markaas buu Cumar ooyey, oo soo dhaqaaqay asagoo deg degaya oo galay gurigiisa, markaasuu xaaskiisii Ummu Kalthuum bint Cali bin Abii Daalib ku yiri:- Ma dooneysaa ajar uu Alle ku haleeshiiyo? Wuxuuna uga warramay qisadii. Markaasay tiri:- Haaheey!! oo ay soo raacday. Wuxuu Cumar dhabarka kusoo qaaday daqiiq iyo shaxmad, Ummu Kalthuumna waxay soo qaadatay qalab dhalmada fududeynaya. Markaasay u tegeen, saa Ummu Kalthuum ay u gashay haweeneydii. Cumarna waxaa uu la fadhiistay ninkeedii isagoo ninku) uuna aqoon (inuu Cumar yahay amiirkii Mu’miniinta) oo way sheekeysaneyee. Haweeneydii waa ay dhashay oo waxay dhashay wiil. Markaas bay Ummu Kalthuum inta Cumar u timid ku tiri:- Amiirkii Mu’miniintoow!! ugu bishaareey ninkeeda in wiil loo dhalay.

Ninkii markuu maqlay hadalka Ummu Kalthuum ee ah amiirkii Mu’miniintoow!!, waa ay la weynaatay arrintaasi, wuuna ka cududaartay inuu aqoonsan waayay amiirkii Mu’miniinta. Cumarna wuu u cududaaray, wuxuuna yiri:- Wax dhiba malahan. Dabeetana wuxuu siiyey daqiiqdii iyo raashiinkii oo idil, wuuna ka ka tegey.

  1. Aslam baa mar kale sheekeeyey oo wuxuu yiri:- Habeen baa aniga iyo Cumar aanu u baxnay Xarrah waaqim. Markii aanu marayna Suraar baa waxaan aragnay dab. Markaasuu Cumar igu yiri:- Aslamoow!!halkaasi, waxaa joogto rukuubleey uu habeenku kusoo gaabtay, ee inoo kaxeey xaggooda. Markaasaanu u tegnay oo waaba haweeney ay ag joogaan ilmo yaryar iyo dheri dabka saaran. iyadoo carruurtuna ay markaasi ooynayaan. Markaas buu Cumar yiri:- Asalaamu caleykum asxaabta iftiimeysaay?

Markaasay haweeneydii tiri:- Wacaleykuma salaam.

Wuxuu yiri:- Miyaan soo dhawaadaa?

Waxay tiri:- Soo dhawaaw.

Wuxuu weydiiyey:- Maxaa idin helay?

Waxay tiri:- Habeenkii baa nasoo gaabiyey iyo qaboow.

Wuxuu weydiiyey:- Maxaa helay ilmaha yar ee ooynaya?

Waxay tiri:- Baahi bay la ooynayaan.

Wuxuu weydiiyey:- Waa maxay waxa dabka saaran?

Waxay tiri:- Waa biyo aan ku sasabaya jeer ay ka seexdaan, Alle ayaana dhexdayada ahaaday annaga iyo Cumar.

Markaasi haweeneydani ma dareensana inuu ninkani yahay Cumar, waxayse ogtahay in amiirka Mu’miniinta la yiraahdo Cumar.

Markaas buu Cumar ooyey, oo laabtay asagoo degdegaya, wuxuuna galay baqaasiinkii oo kasoo saaray daqiiq iyo saliid, markaasuu Aslam ku yiri:- Aslamoow!! ii saari dhabarka.

Wuxuu yiri Aslam:- Anigaa kaa qaadaya.

Wuxuu yiri Cumar:- Oo ma adigaa iga qaadeysid dembigeyga maalinta Qiyaama? Dabadeed daqiiqdii iyo saliiddii ayuu dhabarka kusoo qaaday oo u geeyey haweeneydii. Markaas buu daqiiqdii dhabarkiisa ka dejiyey oo inta in xoogaa ah kasoo qaaday ku shubay dherigi, saliiddiina uu ku daray, oo dabadeed dabkii afuufay muddo, ayadoo qiiquna uu buuxiyey gadhkiisa. Kadib waa uu kasoo dejiyey. Dabadeed wuxuu dalbaday weel, oo ugu riday, suu hor dhigay ilmahii yaraa, oo ka hoos leexday, wuxuuna ku yiri:- Cunaya!!. Markaasay cuneen jeer ay dhargeen. Haweeneydiina way u duceyneysay ayadoonan ogeyn inuu yahay amiirkii Mu’miniinta. Cumar kamuuna tegin jeer ay carruurtii seexdeen. Markaas buu raashiinkii u reebay oo ka tegey. Markaas buu inta xaggeyga usoo jeestay buu igu yiri:- Aslamoow!! waxa soo jeediyey ee ka oohinayay waa baahida.

  1. Cali bin Abii Daalib ayaa Cumar kula kulmay duleedka magaallada Madiina xilli uu hanfi kululi dhacaya. Markaasuu weydiiyey:- Halkee baad kusocotaa amiirkii Mu’miniintoow!!?

Wuxuu yiri:- Awr kamid ah geelii saddaqada oo lumay ayaan raadinayaa, oo aan dalabkiisa kujiraa.

Markaasuu Cali yiri:- Dhab ahaan, waa aad daalisay khaliifada kaa dambeyso.

Caddaaladdiisii waxay ahayd mid aanan la soo koobin karin xusiddeeda, wuxuuna ahaa mid ay mashriq iyo maqrib gaadhay caddaaladiisii Illaahay haka raalli noqdee. Sidoo kale wuxuu ahaa mid ay Alle ka cabsigu ku weyntahay.

Alla ka cabsigiisii wuxuu gaaray heer aanan la miithaali karin. Anas bin Maalik, wuxuu sheegay in Cumar markii uu salaadda Cisha dadka tujiyo kadib uu aadi jiray gurigiisa oo uu ilaa fajarka salaad u taagnaan jiray.

Siduu usoomi jiray baa midibkiisii doorsoomay oo uu noqday madow weyti ah. Markii ay dhacday abaartii Rammaadah, wuxuu iska xarrimay oo ka fogaaday cunidda wax dufan leh, asagoo markii horeba ku noolaa kibis iyo milix iyo saliid, taasoo uu weli ka dhergi jirin. Taasuna waxay gaarsiiyey in midibkiisii uu doorsoomay oo si aad ah u dhuubtay, awooddiisuna daciiftay. Wuxuu gaaray heer ay Muslimiintii u naxeen naftiisa. Wuxuuna asagu oran jiray:- Waali (masuul) baas baan ahay haddii aan dhergo Muslimiintoo baahan.

Sanadkasi ay dhacday abaartii loo yaqaanay Rammaadah, xaaladdu markay darraatay, oo umaddii baahi daray aafeysay, baa Cubaydillaah bin Cumar wuxuu qashay neef ri’ ah oo u joogtay, wuxuuna amray xaaskiisii inay u sameyso si ay u quutaan maadaama aanay muddo dhadhamin quud dufan leh. Cumar bin Khaddaab baa markii uu arrintaasi ogaaday yimid gurigii Cubeydilalah oo inta aad u carooday ku canaantay falka uu sameyey xilli ay Muslimiintu baahanyahiin oo abaar darani ku habsatay. Markaas buu Cumar amray in markii hilibka iyo kibista la diyaariyo asaga loo keeno. Wuxuuna amray oo loo yeeray saxaabadii waa weyneed ee Muhaajiriin iyo Ansaar. Ayagii ayuuna amray inay cunaan hilibkii iyo kibistii.

Wejiga Cumar waxaa ku yiillay labo xariiq oo madmadow ah, kuwaasoo ay sameysay ilmadii ka quban jirtay siduu Alle u caabbudi jiray darteeda oo u ooyi jiray markii uu akhrinaya Quraanka. Wuxuuna ahaa mid cabsida Alle darteed la ooyo. Mararka qaar wuu miyir beeli jiray marka uu akhriyo Quraanka kariimka, oo marar dambe soo miyirsan jiray. Taasu waxay sababi jirtay in maalmo gurigiisa lagu soo booqdo isagoo aanay jirin wax cudur ah oo haya marka laga reebo cabsida Alle oo uu la sakaraadi jiray.

Asagoo khaliifa ah, oo xukunkiisa uu gaaray bari iyo galbeed, ayaa wuxuu ku lebisan jiray maro suuf ah oo dhammaad ah, oo aanan ishu qabaneyn. Lagama dhex garanayn Muslimiinta. Qofkii aanan horey u aqoon Cumar, haddii uu masjidka soo galo ayadoo Cumar uu asxaabtiisa la fadhiyo, waxaa qofkaasi dhib ku noqoneysay inuu ogaado qofka Cumar ah. Ma uusan lahayn waardiyo, masjidka ayuuna iska seexan jiray intuu go’iisa huwado, ayadoo carruurta yaryari ay ku cayaarayaan, dushiisa ayuu iska gam’i jiray.

Mar la geeyey Hurmuzaan magaalladii Madiina, oo masjidkii la geeyey si uu Cumar halkaasi kula kulmo, wuxuu arkay Cumar oo go’ yar huwan oo masjidka dhex jiifa, iyadoonay jirin cid waardiyeyneyso. Waxay Hurmuzaan taasi ku noqotay fajaciso, waayo wuxuu qaadan waayay ninka boqortooyada Furus iyo ta Ruum ay ka fadhin waayeen ee la wareegay, adduunkii xilligaasi jirayna intiisa badan ay asaga hoos timaaddo inuu meel cidlo ah oo misna dhulka masjidka iska jiifo waxay kunoqotay wax maskaxdiisa ka weyn. Sidaa darteed buu Hurmuzaan ku celceliyey:- Meeyey waardiyaashiisii?

Dharkiisa ayuu meydhan jiray, maradiisuna waxaa laga heli jiray dhowr karan oo uu asagu gacantiisa ku tolan jiray, kabahiisuna sidoo kale.

Anas bin Maalik wuxuu yiri:- Waxaan la joogay Cumar. Markaasuu galay beer, waxaana inoo dhaxeeyey deyrka beerta, suu yiri (asagoo isla hadlaya):- Cumar bin Khaddaab, amiirkii Mu’miniinta. Bakh!! bakh!!. Illaahay baan ku dhaartaye, waad Alle ka cabsataa ina Khaddaaboow!! ama lagu cadaabyay. Markaasaa la weydiiyey arrinkaas. Suu yiri:- Nafteyda baa i cajabisay. Markaasaan damcay inaan liido.

Khaatumkiisa (fargashigiisa) waxaa ku naqshadeysnaa weedhan Kafaa bil Mowti Wacidan Yaa Cumar!!. Oo la macno ah, geerida ayaa waano kuugu filan Cumaroow!!.

Dilkii Amiirka Mu’miniinta ee Cumar bin Al Khaddaab

Markii uu ka faaruqay sanadkii 23aad Xajka wuxuu degay Al Abdhax, halkaasoo uu Alle ku baryay, asagoo uga ashkatoonaya in cimrigiisii weynaaday, raciyadiisuna badatay, dhulalkiina uu kusii fogaaday oo meelo badan uu furtay, quwaddiisiina ay daciiftay. Wuxuu markaasi Illaahay ka baryay inuu oofsado oo kumanneysto shahaado, kuna oofsado magaalladii Nebiga SCW ee Madiinah.

Labadaasi arrimood ee ah shahaadada iyo inuu ku dhinto baladkii Rasuulka Alle SCW, Illaahay wuu u qadaray, wuuna ka aqbalay addoonkiisii ducada, waxaana dilay gaal Majuusi ah oo la oran jiray Abuu Lu’lu’ah Fayruuz bin Rustum Al Majuusi. Kaasoo dilay goor salaad subax ah, asagoo dadka tujinaya oo istaagay mixraabka, subax Arbaco ah dhammaadkii bishii Dil Xajjah, wuxuuna la helay qinjir (middi) labo afood leh, oo uu ku dhuftay saddex dhufasho, waxaa kaloo la sheegaa inuu ku dhuftay lix darbo oo halis ah. Markaas buu Cumar dhacay oo inta gacanta qabtay C/Raxmaan bin Cowf amray inuu dadka salaadda ka bixiya. Ninkii Majuusiga ahaa wuxuu mindidii khinjirka ahayd lasii maray wixii uu arko, wuxuuna sidaa ku dhaawacay 13 ruux, oo lix kamidi ay dhinteen. Dabeetana C/llaahi bin Cowf ayaa go’iisii ku qabtay. Markiina uu arkay inuu gacan galay ayuu is dilay gaalkii Majuusiga ahaa, lacnadi dushiisu ha ahaatee. Markaas baa Cumar gurigiisii loo qaaday. Marna wuu miyirbeelayay, marna wuu soo miyirsanayay. Markuu soo miyirsaday wuxuu dadkii weydiiyey in salaaddii la tukaday? Markaasay usheegeen in la tukaday, markaasuu yiri:- Nasiib malahan qofkii ay ka taga. Dabeetana wuxuu dalbaday weysa oo tukaday. Waqtigaasina wuxuu ahaa ka hor intaanay qorraxdu soo bixin. Dabadeed wuxuu weydiiyey qofka dilay? Waxaa lagu yiri:- Abuu Lu’lu’ah adeegahii Muqiirah bin Shucbah. Markaasi buu Cumar farxay oo Alle mahadiyey inuu dilkiisa ku sababay qof aanan weligiis Alle u sujuudin. Misna wuxuu yiri:- Illaahay ha dulleeyo’ee waxaanu amarnay wanaag.

Ninkan wuxuu adeega u ahaa Muqiirah bin Shucbah. Wuxuuna ahaa farsama yaqaan tumaal iyo fuundi ah, markaasuu Muqiirah u qoray malin waliba 2 Dirham. Dabeeta Cumar baa amray inuu u siyaadiyo maadaama uu yahay nin sanca yaqaan ah. Cumar ma uu ogolaan jirin in magaalladu ay soo gasho cidaanan laga aqoon, sidoo kalena ma ogoleyn in idin la’aan laga baxa magaallada Madiina. Sifada uu ninkani kusoo galay magaalladu waxay ahayd, Muqiirah bin Shucbah baa gobalka warqad uga soo diray Cumar, asagoo ka codsanaya inuu usoo diro nin Majuusi ah oo farsama yaqaan ah, si uu reer Madiina uga caawiya dhanka farsamada gurya dhisidda iwm. Markaas buu Cumar ka yeelay oo kusoo dhaweeyey. Sidaa darteed baa wuxuu markii dambe Cumar amray Muqiirah inuu u kordhiyo intuu horey ugu tala galay mishahar ahaan.

Intaas dabadeed Markii Cumar la duray wuxuu dhibsaday inuu khaliif sameeyo, wuxuuna jecleystay inuu khaliif la’aan ka tego umadda, oo haddii Alle kheyr waafajiyo uu asaga haleeshiiyo koodii ugu kheyr badan. Saxaabo badan iyo dadkii Muslimiinta ayaa arrintaasi ay u cuntami weyday, waxayna ku taliyeen inuu Cumar sameeyo khaliif asaga bacdigiisa ah. Qaar uu Muqiirah ku jiro ayaa waxay u tilmaameen inuu C/llaahi bin Cumar u dardaarmo khilaafada, balse arrintaasi Cumar aad buu uga xanaaqay, kuna canaantay dadkii fikraddaasi usoo jeediyey. Runtii C/llaahi wuxuu ahaa nin u qalmay booskaasi, oo taqwa iyo suhdi badan, balse Cumar wuxuu dhibsanayay in arrintu ay dhaxaltooyo u ekaato. Wuxuu markuu ka fursan waayay arrinkan masuliyadda ahi u dardaarmay lix nin oo kamid ah kuwii uu Rasuulka SCW ka geeriyooday asagoo ka raalli ah, kana mid ah tobankii jannada loogu bishaareeyey. Waxayna kala ahaayeen Cuthmaan bin Cafaan, Cali bin Abii Daalib, C/Raxmaan bin Cowf, Dalxa bin Cubaydillaah Zubayr bin Al Cawaam iyo Sacad bin Abii Waqaas. Wuxuu ka reebay Saciid bin Zayd oo kamid ahaa 10-kii Jannada loogu bishaareeyey. Sababtuna waxay ahayd inay qaraabo soke ahaayeen. Wuxuuna Cumar oran jiray:- Arrinkii Muslimiinta halaga weydiiyo reer Khaddaab nin qura (yacni asaga Cumar oo kaliya halaga weydiiyo maalinta Qiyaama). Wuxuu sidoo kale dhibsaday Cumar inuu sameeyo khaliif, siduu u sameeyey Abuu Bakar oo kale. Dadkiina waa ay ku adkeeyeen arrinkaas, markaas buuna amray in lixdaasi nin ay mid iska doortaan. Wuxuuna ku daray C/llaahi bin Cumar si uu goob joog ula ahaado marka ay shirayaan oo uu u waaniyo. Wuxuuna amray inuusan C/llaahi arrinka waxba ku lahayn oo aanan la dooran kareyn. Dhanka kale wuxuu yiri:- Haddii ay Cali doortaan dhabbada toosan ayuu qaadsiin. Markaas buu wiilkiisa C/llaahi weydiiyey sababta uuna u magacaabeyn Cali. Wuxuuse markaasi sheegay inuu dhibsanaya in masuuliyadaasi ay sii saarnaato xitaa markuu dhinta ka dib. Misna mar kale wuxuu yiri:- Umaleyn mahayo in dadku ay ku doorsan doonaan Cuthmaan iyo Cali qof kale. Misna asagoo lixdii nin la hadlaya wuxuu amray hadday saddex iyo saddex noqdaan, in la raaco saddexda uu kujiro C/Raxmaan bin Cowf. Sidoo kale wuxuu yiri:- Haddii Sacad la doorto waa haggaag, haddiina la dooran, kiinnii la doorto hala tashado Sacad, waayo ugama aanan casilin magaallada Kuufo khayaano ama inuu kasoo bixi waayey. Dabeeta wuxuu u yeeray Abuu Dalxa Al Ansaari iyo Al Miqdaad bin Camr oo amray inay soo kaxaystaan 50 nin oo markaasi albaabka u fadhiistaan nimanka ahlu shuuraha ahi, oo dadka ka waardiyeeyaan. Wuxuuna amray haddii ay saddex casho gudahooda amiir ku dooran waayaan dhimashada Cumar kadib inuu lixda ninba unuunka u dheereeyo, yacni qoorta jaro. Wuxuu sidoo kale amray haddii amiir la doorto oo mid kale ka daba kaca in qoorta la jaro.

Dabeeta wuxuu Cumar diray wiilkiisii C/llaahi oo uu u diray dhanka Caa’isha si uu uga soo idmo in lagu aaso labadiisii Rafiiq agtooda Rasuulka SCW iyo Abuu Bakar. Markaas bay Caa’isha ayadoo ooyeysa u ogolaatay (waxay ka murugeysneed dhimashada amiirka Muäminiinta). Waxayna marki hore halkaasi ugu talo gashay in ayada naf ahaanteeda lagu aaso. Waxayna u sheegtay C/llaahi bin Cumar in amiirka uu kamudanyahay ayada, oo ay u hibeysay booskeedii. Sidaa darteed buu C/llaahi u laabtay Cumar oo u sheegay. Wuxuu intaasi kadib Cumar amray in markii uu dhinta loo qaado gurigii Caa’isha oo mar kale laweydiiya oo haddii ay u ogolaato markaasi lagu aaso haddii aanay ogolaanna loo qaado qabuuraha Baqiic. Wuxuuna sheegay in laga yaabo inay ka xishootay markii uu weydiistay.

Wuxuu sii amray salaad tujinta muddada ay ahlu shuuraha shirayaan inuu tujiya Suheyb bin Sinaan Al Ruumi. Horraantii bishii Muxarram maalin Axad ah ayaana lagu ag aasay labadiisii rafiiq, goobta gurigii Caa’isha.

Wiilkiisii Cubeydillaah bin Cumar ayaa wuxuu dilay Hurmuzaan, iyo nin Ruumaan ah oo la oran jiray Jufaynah Al Ruumi iyo gabar uu dhalay Abuu Lu’lu’ah, si uu ugu aaro aabahiis. Nimankaasina waxaa la sheegaa inay ka dambeyeen dilkii Cumar. Markaas buu Cumar amray in la soo qabta Cubaydillaah oo markii ahlu shuuraha ay amiir iska dhex doortaan uu hadhowta amiirkaasi xukmiyo haddii xukun qisaas ah lagu fulin doona iyo haddii kaleba.

Illaahay ha u nuuriyo qabrigiisa amiirkii Mu’miniinta ee Cumar bin Khaddaab. Aamiin Aaamiin Aamiin

Abuu Bakr

ABUU BAKAR SIDDIIQ (KHALIIFKII RASUULKA ALLAH SCW)

” Haddii iimaanka Abuu Bakar miisaan la saaro oo misna iimaanka ummadayda miisan la saaro, waxaa cuslaan lahaa iimaanka Abuu Bakar”.

Sidaa waxaa yiri Rasuulka Alle (SCW).

Shaki kuma jira inuu ahaa kii ugu fadliga badnaa uguna iimaan badnaa umadda Nebi Muxammed SCW kadib dhimashadiisii, taana waxaa kusoo arooray axaadiith badan oo muujineysa fadligiisa.

Asagu saxaabigani waa mid kamid 10-kii Jannada loogu bishaareyey, waana Khaliifkii Rasuulka SCW, wuxuu ahaa saxaabi kamid saxaabadii Nebiga SCW misna saaxiibkiisii godka, aabahiis waa saxaabi, hooyadii Ummul Kheyr waa saxaabiyad, carruurtiisa oo dhami waa saxaabo, wuxuu dhalay afadii Rasuulka SCW ee Caa’isha Siddiiqah bint Abuu Bakar Siddiiq.

Nasabkiisa & Dhalashadiisa

Wuxuu Abuu Bakar ka dhashay Qureesh gaar ahaanna lafta banii Taym bin Murrah, inaayadiisuna waa sida tan: Abuu Bakar magaciisu waa C/llaahi bin Abii Quxaafah – aabahiis Abii Quxaafah magaciisu waxuu ahaa Cuthmaan bin Caamir bin Camr bin Kacab bin Sacad bin Taym bin Murrah bin Kacab bin Lu’ay bin Qaalib bin Fihir bin Maalik Al Qurashi At Taymi. Hooyadiis waxaa la oran jiray Salmaa bint Sakhar bin Caamir bin Kacab bin Sacad bin Taym bin Murrah Al Qurashiyah At Taymiyah, waxay ilma adeer la ahayd Abuu Quxaafa- oo ah aabaha dhalay Abuu Bakar, waxaana uu laqabkeedu ahaa Ummul Kheyr oo ay caan ku ahayd.

Wuxuu Abuu Bakar ku dhashay magaalada Makka sanadkii 573 Ciise kadib, oo ku beegan laba sano iyo bar ka dib dhacdadii Maroodiga, wuxuu ka yaraa Rasuulka SCW kudhawaad saddex sano, waxayna Rasuulka SCW iyo isaga ahaayeen saaxiibo yaraantoodii isla soo koray. Waxaa loo yaqiinnay markii hore amaba uu magaciisu ahaa Cabdi Kacab, Rasuulkaase SCW ka baddelay oo u bixiyey C/llaahi, waxaana uu laqabkiisu ahaa Al Catiiq, sidoo kale waxaa loo yaqiinay As Siddiiq. Sababta Catiiq loogu baxshay waxay ahayd waji samidiisii iyo qoor xoreyntiisii badneyd, waxaa kaloo lasheegaa in aysan hooyadii horey u dhalin wiil isaga ka hor, dabeeta ay kacbada tagtay oo ay Alle ka bariday inuu siiyo wiil, kadibna markii uu siiyey Alle wiil bay u bixisay Catiiq, waxaa kaloo iyana la yiraahdaa sida werin kusoo aroortay oo Ca’isha laga soo weriyey ina Abuu Bakar Siddiiq Allaha ka raalli noqde uu maalin u soo galay Rasuulka SCW oo uu salaamay. Markaasuu Rasuulka SCW yiri:-”Adigu waxaad tahay mid naarta laga xoreyay”.

Waxaa kaloo la yiraahdaa: Rasuulka SCW ayaa maalin waxuu yiri:” Qofkii ay farxad gelineysa inuu arko qof nool oo naarta laga xoreyay ha eego kan (Abuu Bakar Siddiiq) Waxaa wariyey Tirmidi. Ca’isha waxay kaloo tiri:” Aabahay baa ii soo galay maalin, markaa baan ku iri: Bishaareyso! inaad kamid tahay kuwa naarta laga xoreyay”, Waxayna usheegtay inay maqashay Rasuulka SCW oo sidaa leh.

Sababta kalee iyana loogu magacaabay Siddiiq ayaa waxay ahayd isagoo runloow ahaa oo tolkiisa markii uu wax u sheega aysan waligood ka beensan jirin, horeyna uguma aysan baran wax been ah. Habbeenkii Rasuulka la dheelmiyey ee Israa Wal Micraaj baa subaxeedii waxay Qureeshtii u tegeen Abuu Bakar oo ay ku yiraahdeen” Abuu Bakaroow! ma waadan maqal waxa uu saaxiibkaa sheegayo, ee ah in xalay Beytul maqdis la geeyay misna sammada loo qaaday oo uu Alle la kulmay? Waxuu ku jawaabay Abii Bakar “Sadaqa” (Run buu sheegay), Illaah baan ku dhaartaye anigu waan rumeyn” , kadibna intuu Rasuulka SCW raacay buu xayntii Quresheed ee uu uga warramo qisadii xalay ayuu Abuu Bakarna lahaa ”Sadaqta” (waa runtaa). Sidoo kale maalintaas ayaa loo baxshay laqabka Sidiiqna waa la yiraahdaa.

Islaamka ka hor waxuu iska xarrimay cabbida khamriga iyo inuu cuno wax sanam loo qalay,sidaa si lamid ahna waxaa cabbida khamriga horey isaga xarrimay Cuthmaan bin Cafaan iyo Cuthmaan bin Madhcuun, waxuu yiri Abuu Bakar:- Waligey cabbi mahayo wax miirkeyga tagsiin oo ay dadku igu qosli”. Maalin maalmaha kamid ah baa waxaa kaxeeyay aabahiis Abuu Quxaafa oo u geeyay sanam kamid sanamyadii Kacbadda yiilley ee ay tolkiis caabbudi jireen, waxuu ku yiri Abuu Quxaafa:” Wiilkeygoow!! waa kuwan illaahyadii ee iyaga weydiiso waxa aad doonta”. Markaa buu Abuu Bakar u dhawaaday sanamkii oo uu ku yiri:- Sanamyahow! waan baahanahay ee quud isii? Saa umuusan jawaabin. Wuxuu haddana markale yiri:- Sanamyahow! waan arradanahaye i arrad tir. Misna umuusan jawaabin. Intuu u dhawaaday buu dhagax ku dhuftay misna umuusan jawaabin, kadibna wuu isaga tegay, markaa buuna ka fogaaday wax sanam ah iyo diintii ay tolkiisa haysteen oo idil, waxuuna noqday nin ganacsada ah oo maalqabeennadii Quresheed kamid ah, dadkuna waxay u haayeen xushmad iyo jacayl, maadaama uu ahaa nin Qureeshta iyo Carabta kaloo idil caan ka dhex ahaa. Waxuu si wacan u yaqiinnay jilibyada Carbeed iyo isirradooda, waxuuna ahaa nasab aqoon ay bulshada reer Makka oo idil jecelyahiin. Wuxuu kaloo lahaa gola fadhi oo dhalinyarta iyo odayaasha Qureesheedba ay ku kulmi jireen, aad bayna u xiiseyn jireen Qureeshtu qolahii Abuu Bakar.

Islaamiddiisii

Maadaama uu ahaa nin caqli badan oo garasho fogna leh, laguna tiriyo raggii ugu garaadka fiicnaa geyiga Makka, bugtii hora ee Islaamkuba horey ayuu ka Islaamay. Taasi waxaa u saamaxday saaxiibtinimadii Nebi Muxammed SCW uu saaxiibka la ahaa tiiyoo meesha laga saareyn jeceylkii uu Alle Sarreeye jeclaa, waayo Alle cidduu jeclaado oo kaliya ayuu fursaddaas dahabiga ah iyo ajarkeeda weyniga badan haleeshiiyaa.

Waxuu yiri Abuu Bakar Siddiiq:- Waxaan fadhiyey daaha Kacbada iyadoo Zayd bin Camr bin Nufeyl-na uu fadhiyey, markaa baa waxaa soo maray Umayah bin Abii Salat, waxuuna ku yiri:- Sideed ku waa bariisatay kheyr doonoow!!? Markaa buu Zayd ku jawaabay:- Kheyr baan ku waabariistay.Waxuu yiri:- Oo miyaad heshay (yacni diin wanaagsan?).

Zayd horey ayaa waxuu uga tegay diinta tolkiis oo waxuu kamid noqday Xunafaadii wixii diintii Nebi Ibraahiim CS ka haray ku dhaqmaysay.

Waxuu yiri:- May. Markaa buu Umayah bin Abii Salat tix gabay ah tiriyey dabeetana yiri:- Nebigan la sugi xaggayaguu ka iman doonaa (reer Thaqiif), mise idinka (reer Makka), ama reer Falastiin. Waxuu yiri Abuu Bakar Sidiiq:- Ma aanan maqal markaa ka hor in Nebi la sugayo ama la soo diri doona, saa waan baxay oo waxaan aaday dhankii Warqah bin Nowfal. Markaan u tegey ayaan uga warramay qisadii. Waxuuna yiri:- Haa. wiilkii walaalkayoow!!. Nebiga kan ee la sugayo waa mid laga soo saari doona Carab bartankeeda xagga nasab ahaanta, qoomkaaguna waa bartama Carabta nasab ahaan. Waxuu yiri:- Saa waxaan ku dhahay:- Adeer!! Oo muxuu oran Nebigu? Waxuu yiri:- Waxuu oran wixii lagu yiri (yacni waxyiga loo waxyooday). Markii Nebiga SCW lasoo dirayna waa aan rumeeyay oo aan raacay.

Markii la soo diray Rasuulka SCW qofkii ugu horeeyay ee uu u sheega oo uu dacwada u bandhiga waxuu ahaa Abuu Bakar Siddiiq. Markaa buu isagana kama uusan laba labayne waa uu ku deg degay oo goor horeba Islaamay. Waxaa la isku khilaafaa qofkii isaga iyo Khadiija (afadii Rasuulka SCW) Illaahay haka raalli noqdee hor Islaamay, sidoo kalena isaga iyo Cali ayaa la isku khilaafaa koodii hor Islaamay, hase ahaatee culimada Mu’arrakhiinta ah waxay ku xukmiyaan inuu Abuu Bakar ahaa qofkii xagga ragga ugu hor Islaamay, Khadiijana ay ahayd qofkii xagga dumarka ugu hor Islaamay halka Calina ay ku xukmiyeen inuu carruurta xaggooda ugu hor Islaamay. Markii Rasuulka SCW lasoo diraayey waxuu Abuu Bakar jiray 37 sano. Markii uu islaamay waxuu durba guda galay inuu dacwada diinta Islaamka fidiyo oo doorkiisa ka qaato, waxaana gacantiisa ku Muslimay durbadiiba shan kamid ah 10-kii Jannada loogu bishaareyay kuwaasoo kala ahaa Cuthmaan bin Cafaan, Zubeyr bin Cawaam, Dhalxa bin Cubeydillaah, C/Raxmaan bin Cowf iyo Sacad bin Abii Waqaas. Raggan iyaga ahi waxay ahaayeen halyeeyadii Islaamka iyo cullimadii ugu sarreysay, waxayna kuwada Muslimeen gacanta Abuu Bakar Siddiiq Allaha ka raalli noqee. Sidaa si lamid ahna waxaa ku Muslimay dacwadiisa khalqi badan oo uu kamid ahaa saxaabiga jaliilka ah ee Khaalid bin Saciid bin Al Caas Al Umawi.

Rasuulka SCW isagoo inooga warramaya Islaamiddii Abuu Bakar Siddiiq waxuu yiri:- Axadna ugumaanan yeerin Islaannimada, illaa wuu dib dhacay oo wax eeg eegay, marka laga reebo Abuu Bakar mooyaan, isagu markaan ugu warramay kama uusan laba labayn mana uusan ka dib dhicin.

Culimada qaarkood baa waxay yiraahdeen:- Haddii uu mid wax dhaho uu yiraahdo saxaabadoo dhan marka laga reebo Abuu Bakar uma sugnaan wax saaxiibtinimo ah (yacni saxaaabi la saaxiibay Nebi Muxammed SCW ma ahan) ma uusan gaaloobin qofkaasi sidaa yiri, hase ahaatee haddii uu yiraahdo Abuu Bakar ma uusan ahayn Nebi Muxammed SCW saaxiibkiis waa uu gaaloobay qofkaasi. Tani waxay ina tusineysaa heerkii saxaabinnimo ee uu Abuu Bakar Siddiiq ka joogay Rasuulka SCW agtiisa intuu dhamaa, iyo miisaan halkuu joogay, waxayna taasi inoo caddeyneysaa in saaxiibnimadii Abuu Bakar Siddiiq ay ka weyntahay saaxiibnimadii saxaabada kale oo dhan marka laysu geeyo. Waa halka uu ku gaalloobaya qofkii yiraahdo:- Abuu Bakar ma ahayn saxaabi. Balse qofkaasi hadduu yiraahdo:- Saxaabada kale ma ahayn saxaabo. Ma ku gaaloobaya, balse waxaa loo qori dembiga beenta iyo inta gefkaasi uu dembi dhanyahay.

Maalintii uu Islaamayay Abuu Bakar Siddiiq wuxuu hanti lahaa 40 000 Dirham, waxuuna ku gar gaaray Islaamka isagoo addoomada ku xoreynayey masaakiintana ku quudinayey.

Qaar Kamid Ah Fadliga Abuu Bakar Siddiiq

Waxuu Abuu Bakar Siddiiq Illaahay haka raalli noqdee lahaa fadli aanan lagu soo koobi karin qoraal, haddii aynu damacno inaan wada qornana kaligii (fadligiisa kaliya) baa malaha buug iyo buuggaag badan buuxin lahaa. Macnahu waxaa weeya waa wax aanan la soo koobi kareyn fadligii Abuu Bakar Siddiiq. Wuxuu ahaa mid aad u fadli badan, oo darajadiisa saxaabi gaari karo uuna kujirin saxaabadii Nebi Muxammed SCW. Sidaa darteed baa waxaan kasoo qaadan doonnaa qaar kamid ah oo muhiim ah hadduu Alle idmo.

Rasuulku SCW waxuu yiri:- Haddii iimaanka Abuu Bakar miisaan la saaro oo misna iimaanka ummadayda miisan la saaro, waxaa cuslaan lahaa iimaanka Abuu Bakar. Tani waxay ku tusin heerka uu iimaanka Abuu Bakar joogay iyo inuu ahaa mid aad u sarreeyo oo aysan jirin cid iimaankiisa gaari karto Rasuulka SCW ka dib ummadan Nebi Muxammed SCW dhexdooda.

Waxuu ka dhex muuqday Qureeshta iyo Carabta kale oo dhan, taana waxaa u sabab ahaa sidaynu soo xusnayba weji samidiisii, wanaagiisii iyo isagoo kala yaqiinay jilibyada Carbeed iyo abtirkooda. Waxuuna Rasuulka SCW u qaabilsanaa dhanka tirikoobka iyo aqoonta dadka oo isaga ayaa la weydiin jiray saxaabi kamid ah saxaabada marka la garan waaya jilibkiisa ama lagu murmo, waxuu ahaa mid taas caan ku ahaa Islaamka ka hor iyo kadibba, mana aysan jirin cid kula tartami kareysay arrinkaasi, oo waxuu ahaa mid dhankaa looga dambeeyo. Waana saxaabiga kaliya ee qof kastoo Qureeshta kamid ah oo qaangaar ah marka uu kasoo hor baxo u abtirin jiray siduu nasabka u yaqiinnay darteed.

Abuu Muusa Al Ashacari baa maalin waxuu go’aasaday inuu maalintiisa inta ka dhiman la jooga Rasuulka SCW, markaa buu goor hore weyseytay oo uu masjidkii aaday, misna wuu ka waayey Rasuulka. Kadib waa loo tilmaamay oo raadkiisii ayuu qaaday, waxuu ugu tegay goob uu ceel ku yaal oo beer ah isagoo markaa dul fadhiyey ceelka oo maradiisuna lugaha uga yara laabantahay sida qof ceelka biyo kasoo darsanaya. Markii uu Abuu Muusa u tegay Rasuulka SCW ayuu salaamay dabadeedna albaabkii buu u fadhiistay isagoo go’aansaday inuu albaabka u ilaaliyo oo uu waardiya u noqda, markaa baa waxaa soo garaacay albaabka Abuu Bakar Siddiiq, markaa buu Abuu Muusa Al Ashacari su’aalay:- Waa kuma? Wuxuu yiri:- Waa Abuu Bakar Siddiiq. Waxuu yiri:- U kaadi. Markaasuu u tegay Rasuulka SCW oo uu ku yiri:- Rasuulkii Alloow!! Abuu Bakar baa albaabka taagan oo ku idin dalban. Waxuu yiri:- U idin inuu soo galo, oo uguna bishaarey Jannada. Markiina uu u idmay oo uu u bishaareyey buu soo galay oo uu Allaah mahadiyey kadibna Rasuulka salaamay oo dhinaca midigta ka fadhiistay. Misna Cumar baa soo garaacay sidii si lamid buu Abuu Muusa Al Ashcari ku yiri. Rasuulkuna SCW sidii si lamid buu yiri:- U idin uguna bishaareey jannada. Markaa buu sidii Abuu Bakar oo kale falay oo uu dhinaca bidixda Rasuulka ka fadhiistay SCW, misna Cuthmaan bin Cafaan baa soo garaacay oo isagiina sidii camal uu Rasuulka SCW yiri:- U idin uguna bishaareey janno iyo fidno asiibi doont. Markiina loogu bishaareyay jannada iyo fidnada asiibi doonta, buu Alle mahadiyey oo uu yiri:- Allaan la kaashan ( fidnadaas ). Waxuuna fadhiistay Rasuulka SCW hortiisa maadama labada dhinac ay buuxday, waxayna culimadu ku fasiraan qabuurtooda oo Rasuulka SCW, Abuu Bakar iyo Cumar ay isku garba yaallaan goobta gurigii Caa’isha iyo qabriga Cuthmaan oo ku yaal maqbarada Baqiic.

Rasuulka SCW baa mar qiimeeyay acmaasha oo tilmaamay in Jannooyinka qof loogu yeeri albaabka sallaadda, qofka sakada badanna albaabka sakada, qofna looga yeeri doono albaabka jihaadka, qofka soonka badanna albaabka soonka, markaa buu Abuu Bakar Rasuulka SCW su’aalay:- Rasuul Alloow!! ma jiraa qof albaabadaasi oo idil loogu yeeri? Wuxuu yiri:- Haah!! waxaana rajeyn inaad kamid noqoto.

Waxuu ahaa Abuu Bakar Siddiiq ganacsada taajir ah oo hanti badan leh, wuxuuna u gar gaari jiray qof kastoo dhibban iyo mid waliboo wax si ka yahiin, waxuuna ku sifeysnaa akhlaaqda iyo hadalka dhimrisan, meelo badanna waxuu ka shabahi jiray Rasuulka SCW, waligii qof lama uusan dagaallamin ka hor Islaamka waqtigaasoo dadku dagaal iyo fitno ka dhaxeyn jirtay oo sida loo kala xoog weynyahay la isku dhici jiray. Waa saxaabiga kaliya ee hantidiisa oo dhan ku bixiyey jidka Allaah hal maalin.

Rasuulka SCW waxuu yiri:- Qofka iigu mannasha badan oo maalkiisa iyo saaxiibtinnimadiisa oo dhan gacanta la ii geliyey waa Abuu Bakar, haddii aanan anigu mid mutacalliq ahayn (waayo waxaan anigu xiriir toos ah la leeyahay Allaah), Abuu Bakar oo kaliya baan ku xirnaan lahaa oo aan saaxiib ka yeelan lahaa, laakiin walaallimada islaaminada iyo kalgacaylkiisa qofka aan u haayo waa Abuu Bakar, albaabadaa (masjidka) oo dhami hala xiro, albaabka Abuu Bakar mooyaan.Waxaa Wariyey Bukhaari.

Maalin baa waxay arrin ka dhex dhacday Abuu Bakar iyo Cumar, iyadoo markaana uu Abuu Bakar is qabtay oo uu Cumar gurigiisii ugu tegay oo ku yiri:- Cumaroow!! iga raalli noqo? Cumarna wuu ka yeeli waayey. Dabeeta waxuu Abuu Bakar aaday Rasuulka SCW xaggiisa. Markiina uu Rasuulka SCW kor ka arkay Abuu Bakar oo marada soo xaytay buu asxaabtiisii ku yiri:- Saaxiibkiin wuu soo dooday. Markiina uu u yimid buu yiri:- Rasuulkii Alloow!! aniga iyo ina Khaddaab bay arrin inaga dhex dhacday, markaa baan gurigii ugu tegay si uu ii saamaxo, hase ahaatee wuu iga diiday. Markaa buu Rasuulku SCW yiri:- Allaah baa kuu dambi dhaafi Abuu Bakarow! saddex jeer buu yiri isagoo codka kor ugu qaadi. Intaa kadib Cumar baa isaguna goor dambe is qabtay oo dabeeta aaday gurigii Abuu Bakar. Markiina uu ka waayey buu is yiri waxuu jiraa masjidkii, waxuuna soo abbaaray dhankii masjidka. Markii uu yimid buu Rasuulka SCW kasoo fadhiistay dhanka midig, markaasuu kasii jeestay, misna dhanka kale ayuu ka maray, misna markale ayuu ka jeestay. Waxuu markaa gartay Cumar inuu khaldamay oo markii uu walaalkii iga raalli noqo yiri uu ka qaadan waayey. Kadib Abuu Bakar wuxuu guda galay inuu ka furto oo yiri:- Rasuulkii Alloow!! anigaa ka gar darnaa. Wuuna ku celceliyey, wuxuuna markaasi yiri Rasuulka SCW isagoo careysan oo Cumar la hadli:- Inaan Abuu Bakar kaa raaco, wuu mudanyahay ( aniguna xaq baan u leeyahay ), Illaah baa iisoo diray xaggiina, markaa baad i wada tiraahdeen:- Been baad sheegtay, Abuu Bakarna uu igu yiri:- Run baad sheegtay Rasuulkii Alloow!!. Waxuuna iigu gargaaray naftiisii iyo maalkiisiiba, ee miyaadan ii deyneyn saaxiibkey? Markale ayuu misna yiri:- Oo miyaadan ii deyneyn saaxiibkey? Maalintaasi kadib wax la murmay Abuu Bakar lama arag.

Wuxuu yiri Rasuulka SCW:- Ummadeyda qofka u dhimmirsan waa Abuu Bakar Siddiiq. Waxaa kaloo uu yiri:- Sidaad u aragtaan xiddigga iftiinka badan ee xiddigaha kale ku jira, waa sidaa oo kale Abuu Bakar iyo Cumar.

Wuxuu kaloo yiri:- Qof kastoo wax nagu lahaa waan u gudnay xaqiisii, Abuu Bakar mooyaan, isagu wuxuu nagu leeyahay wax aynan gudi karin illaa uu Allaah u gudo mooyaan.

Camr bin Al Caas baa mar uu Rasuulka SCW meel u dirayey ayuu Rasuulka SCW su’aalay:- Rasuulkii Alloow! dad yaad u jeceshahay? Waxuu yiri:- Caa’isha. Markaa buu yiri:- Ragga yaad ugu jeceshahay Rasuulkii Alloow!! SCW? Waxuu yiri:- Aabaheed.

Cumar bin Khadaab waxuu yiri:- Rasuulka SCW baa maalin ina amray in saddaqo la baxsado oo wax la keeno, markaa baan maalkii agteyda yaallay kala baray oo aan bar soo qaaday, waxaana is iri maantaad Abuu Bakar ka badin, ( horey ayay ahaayeen kuwa kheyrka ku tartama Abuu Bakar iyo Cumar). Markaa baan Rasuulka SCW ula tegay bar kamid maalkeygii, waxuuna igu yiri:- Oo maxaad reerkii uga soo tegtay? Waxaan ku dhahay::- In lamid ( intaan keenay in lamid ah, macnaha kala bar baan uga soo tegay). Abuu Bakarna waxuu keenay wixii agtiisa yiil oo maal ah, markaa buu Rasuulka SCW ku yiri:- Oo maxaad reerkii ugu soo tegtay? Markaasuu yiri:- Waxaan uga soo tegay Allaah iyo Rasuulkiisa. Maalintaas baan garowsaday inaan waligey Abuu Bakar gaareyn.

Abuu Hureyrana waxaa laga soo weriyey Allaha ka raalli noqdee inuu Rasuulka SCW yiri:- Horey maal iima uusan anfacin sida uu iigu afacay maalka Abii Bakar, kadib Abuu Bakar baa ooyay oo yiri:- Oo aniga iyo maaleygaba ma cidkalay usugnaadeen oo aan adiga ahayn Rasuulkii Alloow!!?

Cali bin Abuu Dhaalib waxuu yiri:- Rasuulka SCW baa wuxuu eegay Abuu Bakar iyo Cumar, markaa buu igu yiri:- Labadaasi (Abuu Bakar iyo Cumar) waxay hoggaan u noqon donaan dadka waaweyn (dadka caanka ah ee meeqaamka iyo sharafta leh) ee jannada, kuwii ugu horeyay iyo kuwii ugu dambeeyayba marka laga reebo Nabiyadii iyo Rusushii Alle ee lasoo diray,ee Caliyoow!! ha u sheegin. Rasuulka SCW waxaa u muuqatay in arrintaas iyo fadligaas inuu u ahaado mid u qarsoon labadaas saxaabi, sidaa darteed buuna Cali ku yiri:- Ha usheegin. Wallaahu aclam.

Waxuu kamid ahaa 10-kii saxaabi ee jannada loogu bishaareyay misna Khaliifkii Rasuulka SCW, Nebiga SCW baa maalin maalmaha kamid ah gacanta qabtay oo ku yiri:- Adigu waxaad tahay saaxiibkeyga ka cabbi doona darkeyga, waxaadna tahay saaxiibkeygii godka Thowr.

C/llaahi bin Cumar Allaha ka raalli noqdee ayaa isaga oo tilmaamaya sifadii Abuu Bakar Siddiiq wuxuu yiri:- Saddex nin oo ka soo jeedda qabiilka Qureeshta waxay noqdeen dadka kuwa ugu suubban dhanka akhlaaqda, iyo dhanka xishoodkubs, haddii ay kuu sheekeeyaan marna dhici mayso inay been kuu sheegaan, haddii aad u sheekeeysana kuma beensadaan, waxayna kala yihiin saddexdaas nin Abuu Bakar Siddiiq, Cuthmaan bin Cafaan iyo Abuu Cubeyda bin Al-Jarraax.

Haweeney baa mar u timid Rasuulka SCW oo wax weydiisaneysay markaa buu ku yiri:- Igu soo laabo. Waxay tiri:- Bal ka warran haddii aan ku heli waayo ( yacni haddii aan imaado adigoo geeriyooday )? Waxuu yiri:- U teg Abuu Bakar Siddiiq.

Maalin baa Rasuulka SCW oo ay la socdaan Abuu Bakar, Cumar iyo Cuthmaan waxay koreen buurta Uxud. Markaa bay la dhaqdhaqaaqday. Suu Nebigu SCW yiri:- Sugnoow Uxudeey!! waxaa dushaada saaran Rasuul, Siddiiq iyo laba Shahiide.

Meelo badan buu Abuu Bakar Siddiiq ka shabbihi jiray Rasuulka SCW xagga akhlaaqda iyo suubnaanta iyo hadalka dhimmirsan. Wuxuu ahaa saxaabi aan la soo koobi karin fadligiisii iyo wanaagiisii, waxuuna ahaa mid naxariis badan oo qoor xoreyn badan, waxaana xusid mudan dadkii Muslimiinta ee kufaarta Qureesheed caddibi jireen ee uu xoreyay kuwaasoo uu Allaah dartii u xoreeyay. Waxaa kamid ahaa dadkii uu xoreeyay Bilaal bin Rabaax, Caamir bin Abii Fuheyr, Abuu Fukeyh Al Aflax Mowlaa banii C/Daar, Zinniirah, Nahdiya- iyo gabadheeda Ummu Cubeys, iyo Jaariyad u joogtay banii Caddiyi gaar ahaan qoyska banii Mu’ammal. Dhammaan dadkan waxuu u xoreyay Abuu Bakar Allaah dartii, oo wax ujuuro iyo weji kama uusan lahayn. Taana waxaa caddeynayso, aabahiis Abii Quxaafa baa maalin u yimid oo ku yiri:- Abuu Bakaroow!! maandhoow!! marba haddaad wax xoreynetsid, maad wax ku anfaco xoreysid oo hadhoow kuu shaqeeeyo? Waxuuse ku jawaabay Abii Bakar:- Waxaan Alle wajigiisa ahayn uma xoreynayo.

Alle Sarreeye baa markaasi ku amaanay Quraankiisa Kariimka isagoo tilmaamaya samaantiisii iyo qoorxoreyntiisii, iyo siduu ula jeeday Allaah dartii, waxuuna yiri Alle Sarreeye:

”Waxaa ka fogaada (geliddeeda, yacni Naarta) qofkii Allaah ka dhowrsada, oo ah kan bixiyo xoolahaiis (saddaqo ahaan iyo qoor xoreyn) si uu u daahir noqdo, Qof wax ugu nicmeyayna oo uu u abaal gudina ma jiro, ee wuxuu uun u bixin Allaah Sarreeye dartii, wuuna raalli noqon doonaa”. Dhammaadka suuratu Leyl.

Dumarkiisii & Carruurtiisii

Abuu Bakar Siddiiq wuxuu guursaday illaa 4 dumar ah, labo kamid ah waxuu guursaday Islaamka ka hor labada kalena waxuu guursaday Islaamka kadib.

Islaamka ka hor waxuu guursaday Quteylah bint Cabdul-Cuzza Al Caamiriyah iyo Umu Rowmaan Al Kinaaniyah. Haddaba waxaanu soo qaadaneynaa dumarkii uu guursaday iyo carruurtii ay udhaleen, waana sida tan:

  1. Wuxuu guursaday Quteylah bint Cabdul-Cuzza bin Cabdu Ascad bin Nadar bin Maalik bin Xasal bin Caamir bin Lu’ay Al Qurashiyah Al Caamiriyah, waxayna u dhashay Asmaa oo uu guursaday Zubeyr bin Al Cawaam, iyo Cabdullaahi oo isaguna guursaday Caatikah bint Zeyd bin Camr bin Nufeyl.
  2. Wuxuu guursaday Umu Rowmaan bint Caamir bin Cuweymir bin Cabdishams bin Cataab bin Udeynah bin Sabiic bin Dahmaan bin Al Xaarith bin Qanam bin Maalik bin Kinaanah Al Kinaaniyah, waxayna u dhashay Cabduraxmaan iyo Caa’isha. Caa’isha waxay ahayd afadii Rasuulka SCW, Kahor intuusan Rasuulka SCW guursan Caa’isha waxaa soo doontay Jubeyr bin Mudcim. Markii uu Rasuulka SCW aabaheed ka doonay ayay Abuu Bakar arrintaa ku cuslaatay, waayo horey ayuu usiiyey Jubeyr bin Mudcim. Kadib buu Abuu Bakar u tegay Mudcim bin Caddiyi oo uu ku yiri: Iga soo dhiso gabadha”. Markaasay haweeneydii Mudcim ku tiri seygeeda:- Yuusan wiilka kaa fidneyn Abuu Bakar ee gabadhiisa faraha uga qaad. Markaa buu u fasaxay, sidaa buuna Rasuulka SCW ku guursaday sanadkii 1aad ee Hijriyada.
  3. Kadib waxuu guursaday Asmaa bint Cumeys bin Macad bin Taym bin Al Xaarith bin Kacab bin Maalik bin Quxaafah bin Caamir bin Maalik bin Nasar bin Wahabullaah bin Shahraan bin Cafras bin Khalaf bin Aftal (Aftal waxuu caan ku ahaa Khuthcum) Al Khuthcumiyah, waxayna udhashay Maxammed bin Abuu Bakar, sanadkii sagaallaad ee Hijriyada ayayna udhashay. Ka hor waxaa soo guursaday Jacfar bin Abuu Dhaalib. Iyada ayuu Abuu Bakar u dar daarmay inay meydho meydkiisa markii uu xanuunsanaa,
  4. Kadib wuxuu guursaday Xabiibah bint Khaarijah bin Zeyd bin Abii Zuheyr oo ka dhalatay banii Xaarith bin Al Khazraj, waxayna udhashay Umu Kalthuum bint Abii Bakar, markuu geeriyooday kadib, waayo iyadoo Ummu Xabiibah ay uur tahay buu ka dhintay.

Dhammaan carruurtiisii waa ay u hana qaadeen, Cabdullahi waxuu kudhaawacmay dagaalkii Xuneyn waxuuna geeriyooday sanadkii 11aad ee Hijriyada, Cabduraxmaan bin Abuu Bakar waxuu geeriyooday sanadkii 53aad ee Hijriyada ama 54aad. Waxuu ku geeriyooday goob la yiraahdo Al Xubshi oo 6 ama 12 mayl u jirta magaalada Makka, Caa’isha iyadu waxay geeriyootay sanadkii 57aad ee Hijriyada. Asmaa bint Abuu Bakar waxay geeriyootay sanadkii 73aad ee Hijriyada kadib dilkii wiilkeeda C/llaahi bin Zubayr muddo laga joogo bil iyadoo cumrigeeda lagu sheegay 100 sano ilig-na kama dhicin , hase ahaate way indho beeshay aakhirkii cumrigeeda. Umu Kalthuum waxaa doonay Cumar bin Khadaab, hase ahaatee way diidday, kadibna waxaa guursaday Dhalxa bin Cubeydillaah. Maxamed bin Abuu Bakar waxaa lagu dilay Masar waxaana dilay Mucaawiyah bin Khadiij, kadibna waa la gubay sanadkii 38aad ee hijriyada. Walaashiis Caa’isha si aad ah ayay uga murugootay, waxayna kafaala qaadday markaasi carruurtiisa.

Khudbaddii Ugu Horreysay Islamka

Culimada waxay sheegaan in saxaabadii racii kowaad ee Islaamay ay jecleysteen in khudbad la jeediyo, taasoo looga warramaya Quraanka soo degay iyo nuurkiisa, haddaba Abuu Bakar baa jecleystay inuu noqda qofkii akhrin lahaa khudbaddaas isagoo ka dhex jeedin Kacabadda dhexdeeda, waxayna ahaayeen Muslimiinta maalintaa 38 qof sida ay werrinnada badan qabaan. Wuxuu Abuu Bakar u tegay Rasuulka SCW oo uu ku yiri:- Rasuulkii Alloow!! waxaan jecleystay inaan khudbad akhriyo oo aan uga warramaya wixii soo degay iyo waxii aad ina bartay. Rasuulka SCW waxuu damcay inuu ka celiyo, maadaama ay Muslimiinta yar yahiin oo haddii Qureeshtu soo haweysata aysan iska dhicin karin hase ahaatee markii dambe Rasuulka SCW wuu ka yeelay oo wuu u idmay inuu khudba akhriyo. Kadib waxuu Abuu Bakar ka dhex istaagay koox jameecadii reer Makka oo saadaaddii Quresheed kamid ah oo uu khudbaddii u jeediyey. Goor uu dhexda marinaya ayaa waxaa kusoo heentay Qureeshtii oo ku kacday, markaa buu qof waliba ku dhuftay wixii uu ku dhufan karay, waxuuna Abuu Bakar ku dhacay dhulka, markaa buu Cutbah bin Rabiica kabtiisii wejiga uga garaacay heer markii dambe uu miyir beelay, kadib waxaa yimid, tolkii Abuu Bakar ee banii Taym, oo qaaday dabeetana geeyay gurigiisii, waxaa dul joogtay hooyadiis Ummul Kheyr oo murugeysan, taasoo guriga ku dabiibeysay in muddo ah. Waxay banii Taym ku hanjabeen in ay Cutbah u dilan doonaan Abuu Bakar haddii uu geeriyooda Abuu Bakar, oo dagaalkaana uu noqon doona mid Qureeshta dhexdeeda aan dhammaan. Sidaa darteed Abuu Bakar Siddiiq waxuu ahaa saxaabiga kaliya ee la xuso in tolkiisa oo gaalo ah ay u qiiroodeen si ay ugu dagaallamaan heer Qureeshtu dhexdeeda la gaaro inay is laayso, dagaalkaasoo noqon doona mid in badan raago.

Muddo buu Abuu Bakar bukaan jiif ahaa oo haddii lala hadlana uu ishaarayey oo kaliya, waxaana la joogtay hooyaddii Ummul Kheyr. Abuu Bakar waxuu miirkii kusoo laabtay isagoo leh:- Rasuulkii Alle SCW maxaa lagu falay? Waayo waxuu ogaa oo miir ugu dambeyay isagoo goobtii khudbadda joogay Rasuulkuna SCW uu la joogay. Haddaba hooyadii baa baxday oo waxay la kulantay Ummu Jamiil bint Khadaab, taasoo kamid ahayd dadkii Islaannimadooda qarsanyey, waxay Ummul Kheyr weydisay bal inay Abuu Bakar saaxiibkiis aragtay ,waxayna ku jawaabtay Ummu Jamiil:- Garan maayee ma dooneysaa inaan kuu raaco wiilkaada? Waxay tiri:- Haa!. Way soo baxeen, markiina ay Abuu Bakar uyimideen bay Ummu Jamiil si aad ah uga murugootay iyadoo xustay inay daalimiin gar daran yahiin Qureeshta sidaa u gashay. Markaas buu Abuu Bakarna yiri:- Maxaa lagu falay Rasuulkii Alle SCW? Waxay tiri:- Waa roonyahay waxuuna joogaa daartii Al Arqam ibnu Abul Arqam. Waxuu yiri Abuu Bakar:- Dhandhamin mahayo quud oo cabbi mahayo biyo jeer la ii geeyo Rasuulkii Alle SCW. Markaa bay u yara kaadiyeen inta cagtu ka dageyso (inta uu dhulka mugdi ka noqon). Markii cagtu degtay bay hooyadii iyo Ummu Jamiil soo garba galeen oo ugu keeneen Rasuulka SCW gootii asxaabta ee daarta Arqam. Markii uu Rasuulka SCW arkay Abuu Bakar dhibta iyo dhaawaca ka muuqda ayuu ilmeeyay oo uu aad uga murugooday, dabeetana wuu macaanaqeeyay (xabadka buu xabadka u saaray) oo uu dabeetana dhunkaday, markaa buu Abuu Bakar yiri:- Rasuulkii Alloow!! (SCW) kol haddii aan ku arkay adigoo bad qabtid wax waliboo i gaaray waxba maaha. Markaa buu Abuu Bakar ka sheegtay Cutbah iyo dhibtii uu soo gaarsiiyey, waayo wuxuu wejiga uga garaacay kab, waxuuna yiri:- Rasuulkii Alloow!! (SCW) waxaa iigu darnaa Cutbah. Markaa buu Rasuulka SCW Cutbah habaaray.

Wuxuu gudo galay Nebiga SCW inuu Abuu Bakar u duceeya, markaa buu Abuu Bakarna yiri:- Rasuulkii Alloow!! waatan hooyadeey oo wiilkeeda u baarrinimo fashay ee si uu Illaah cadaabta uga bad baadiyo Alle u bari oo Islaamkuna ugu yeer. Markaa buu Rasuulka SCW u duceyay oo Islaamkana ugu yeeray iyadiina waa ay Islaamtay. Haddaba Abuu Bakar waxuu ka faa’iday dhibkii ogaanta ee soo gaadhay in ay hooyadii Islaamta oo Rasuulkuna SCW u duceeyo. Miro dhalkii dacwadiisuna waxay noqotay inay hooyadii naar ka badbaaddo.

Cuqbah bin Abii Muceydh ayaa maalin arkay Rasuulka SCW oo kacbada ku tukanaya, markaa buu inta maro soo qaatey luqunta ama qoorta ka geliyey oo ku ceejiyey, Markaa buu Abuu Bakar warkii maqlay oo meeshii yimid oo ka qabtey kuna yiri:- Oo ma waxaad dileysaan nin intuu yiri Rabbigey waa Allaah Markaa baa wixii Qureesh oo meesha joogay Abuu Bakar ku jeesteen oo rifeen. Markaa buuna Rasuulka SCW dariiq helay oo uu ka baxay. Dabeetana wuxuu Nebigu SCW ku jeestay asxaabtiisii oo uu su’aalay:- Illaah baan idin ku dhaarshaye ma waxaa kheyr badan Mu’minkii reer Fircoon mise isaga yacni Abuu Bakar? Markaa cidi kamaysan siin jawaabtii uu filayey, kadibna waxuu yiri:- Oo maydaan ii jawaabeyn? Illaah baan ku dhaartaye saacad kamid ah saacadaha Abuu Bakar (noolashiisa kamidka ah) ayaa ka kheyr badan 1000 saacadood oo kamid ah (noolasha) Mu’minkii reer Fircoon. Oo kaasi waxuu ahaa nin isagu iimaankiisii qarsaday kanina waa mid iimaankiisii muujistay.

Abuu Bakar Siddiiq waxuu ahaa saxaabi Rasuulka SCW rafiiqiisii gaarka ahaa, oo uma suuro gelin hijradii dhulka xabashida loo hijroonayey. Waayo markii ay Muslimiintii nafahooda iyo diintooda la cararayeen buu Abuu Bakar kamid ahaa dadkaa iyaga ahaa ee damcay inay u qaxaan dhulaysan aqoon. Haddaba markuu baxay Abuu Bakar ayaa waxaa dhexda kula kulmay goob la yiraahdo Barkul Qimmaad odaygii Axaabiishta oo la oran jiray Ibnu Duhnah ( Waxaa kaloo la sheegaa in loo yaqaanay Ibnu Duqinah, waxaana la sheegaa in magaca hooyadii uu ahaa magacaasi, ama daabbadiis, magaciisa saxda ahina wuxuu Al Waaqidi ku sheegay Al Xaarith bin Yaziid. Suhaylina wuxuu ku sheegay in la yiraahda Maalik, wallaahu aclam). Oo ku yiri:- War Abuu Bakar xaggeed usocotaa? Waxuu yiri:- Tolkeygii baa isoo saaray oo waxaan jecleystay inaan iska socda oo aan tego meel aan Rabbigey ku caabbudo. Waxuu yiri Ibnu Duhnah:- Adigoo kale maaha mid baxo oo la saaro, ee laabo oo deegaankaaga Rabbigaa ku caabbud, aniga ayaana ku magan gelin doona.

Intaa kadib Abuu Bakar waxuu la laabtay Ibnu Duhnah oo uu Makka la tegay. Kadibna Ibnu Duhnah waxuu u tegay jamac Qureesheed oo ogeysiiyey inuu Abuu Bakar magan geliyey, waxuuna u tilmaamay inaanan magantiisa loo gacan dhaafin. Qureeshtii arrintaa way ka yeeshay, hase ahaate waxay ku xirtay shuruud ah inuu Abuu Bakar Rabbigiisa ku caabbudo gurigiisa oo uusan dhexdooda ku muujisan, waayo way dhibsan markaana waxaa suuro gal ah inay magantiisa u gacan dhaafaan.

Haddaba Abuu Bakar muddo ayuu sidaa ahaa oo gurigiisa Rabbigu ku caabbudi jiray, markii uuna salaadda u kaco codkiisa ayuu kor ugu akhrin jiray Quraanka heer ay dumarka iyo carruurta kusoo heentaan hareerahiisa oo ay ka dhageysan jireen.

Qureeshtii arrintaan waa ay dhibsatay oo waxay u tegeen Ibnu Duhnah oo ay u tilmaameen inuu ka laabto maganta uu Abuu Bakar magan geliyey ama uu ka celiyo oo Quraankiisa hoos u akhristo. Ibnu Duhnah ayaa u tegay Abuu Bakar oo ku war geliyey hadalladii ay Qureeshtu kula hadashay, waxuuna u tilmaamay inuu maganta kala laaban doono haddii uu sidan kusii socda. Abuu Bakar oo iimaankiisu aad u xeel dheeraa, kalsoonni dhanna ku qabay Rabbigiis ayaa ku yiri Ibnu Duhnah:- Iskala laabo magantaadu oo anigu waxaan magan galayaa Allaah oo aan ku raalli ahay. Sidaa ayuuna Abuu Bakar ku sugnaa jeer uu markii dambe Madiina usoo hijrooday isagoo Rasuulka SCW kula rafiiqay safiirkiisaasi hijrada.

Nolashiisii Madiina

Markay dadkii Muslimiinta ahaa intoodii haajiri kartay ka haajireen magaaladii Makka oo loowada kicitamay dhanka Madiina, Abuu Bakar wuxuu safarkiisii hijrada kula rafiiqay Rasuulka SCW oo waxuuba la galay godkii Qaaru Thowr oo ay saddex casho ku jireen isaga iyo Rasuulka SCW. Waana dhacdadii uu Alle Sarreeye ku soo dejiyey aayaddan:

”Haddaydaan u gargaarin (Gaalooy) Nebiga SCW waxaa u gargaaray Allaah, markey bixiyeen kuwii gaaloobay, isagoo labo (qofood) midkood ah, markay ku jireen (Nebiga SCW iyo Abii Bakar) godka, markii uu (Nebigu SCW) ku lahaa (Abii Bakar) :- Ha murugoon, Alle baa nala jiree, Suu Alle kusoo dejiyey xasilloonidiisii, oo uu ku xoojiyey junuud (askar Malaa’ig ah oo) aydan arkeyn. (Towbah aayadda 40aad)

Haddaba Abuu Bakar Siddiiq dhowr meelood ayuu Alle Quraanka kaga xusay oo aayado dhowr ah buu Abuu Bakar sababnasuul u ahaa, kuwaasoo ay ka mid yahiin aayadihii aynu horey usoo marnay ee suuradda Leyl iyo weliba kuwii ka hadlayey dhacdadii qadafka Caa’isha iyo markii uu quudkii uu siin jiray Abuu Bakar ka gooyey Misdhax bin Othaath oo horey uga qayb qaatay xaadisadii ifkiga, aayadahaasina waxay ku jiraan suuradda Nuur.

Abuu Bakar Siddiiq markuu yimid magaaladii Madiina Ansaartii horey Rasuulka SCW u arkin waxay kala garan waayeen koodii Rasuulkii Alle ah Nebiga SCW iyo Abuu Bakar. Taana waxaa iskaga dhex qasay dabeecaddii Abuu Bakar iyo dhaqankiisii oo aad u sarreeyay kuna dhawaa dhaqanka iyo dabeecadda Rasuulka SCW, heer raggii Ansaarta iyo dumarkoodii badankooduba ay u maleeyeen inuu Abuu Bakar yahay Rasuulkii la sugayey. Waxayse ku garteen inuusan Abuu Bakar ahayn Nebiga goor ay cadceedi qabatay Rasuulka SCW wejigiisa ayuu Abuu Bakar maradiisii uga dhigay markaa bayna garteen inuusan Abuu Bakar Rasuulka ahayn.

Intaasi kadib markuu Rasuulka SCW dadka Ansaarta iyo Muhaajiriinta walaaleynayey Abuu Bakar Siddiiq wuxuu la walaaleeyay Khaarijah bin Zeyd bin Abii Zuheyr Al Khazraji. Mar dambana waxuu Abuu Bakar guursaday gabadh uu dhalay Khaarijah bin Zeyd bin Abii Zuheyr oo la oran jiray Ummu Xabiibah bint Khaarijah.

Abuu Bakar Allaha ka raalli noqdee wuxuu Makka uga soo tegay reerkiisii, Rasuulkuna SCW sidoo kale. Cali bin Abii Dhaalib oo isagu looga soo tegay inuu deymahii iyo wixii uu Rasuulka SCW dadka u hayey inuu usoo gudo, waxuu asagu ka daba yimid saddex casho kadib oo Madiina soo gaaray, isagoo howshiisii soo gutay. Markaa bay Rasuulka SCW iyo Abuu Bakar direen labo nin oo la kala oran jiray Zeyd bin Xaaritha iyo Cammaar bin Yaasir. Wuxuu Abuu Bakar raggaasi siiyey 500 Dirham si waxa ay u baahdaan uga iibsadaan, waxuuna amray inay soo kaxeeyaan gabdhahii uu dhalay Rasuulka SCW- Faadimah iyo Ummu Kalthuum iyo xaaskii Rasuulka SCW ee Sowdah bint Samcah iyo waliba reer Abuu Bakar- Ummu Rowmaan iyo gabadheeda Caa’isha iyo Asmaa bint Abii Bakar afadii Zubeyr iyo weliba Ummu Ayman Barakah bint Thaclabah iyo wiilkeeda Usaama bin Zeyd. Abuu Bakar Siddiiq waxuu horey ugu daray labadii nin C/llaahi bin Ureyqid oo gaal dhul aqoon ahaa si uu jidka u tusiyo, wuxuuna Abuu Bakar horey warqad ugu sii qoray wiilkiisii C/llaahi bin Abii Bakar si uu usii diyaariya qoyska iyo safarkooda iyo sahaydooda. Dabeeto waa lasoo kaxeeyey dhammaan oo la keenay magaaladii Madiina, kadib buuna Rasuulka SCW Caa’isho la aqalgalay.

Abuu Bakar Siddiiq wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii Bader oo wuxuu ahaa ninkii Rasuulka SCW cariishkiisii ku wehliyey maalintaasi. Sidoo kale maalintaa waxuu doon doonayey wiilkiisa C/Raxmaan oo dhanka gaalada la safnaa. Wuxuu doonayey Abuu Bakar inuu wiilkiisa ka takhalluso oo wuxuu lahaa:- khurankiiyoow! meeyay maalkeygii? Isaguna wuxuu ku jawaabayey:- Waxaa ka dambeyso oo ka soo hartay seef dili doonta oday diintiisii nacay. Haddaba goor dambe ayuu Muslimay C/Raxmaan oo uu wanaagsanaaday. Abuu Bakarna maalintaa uu Muslimay wiilkiisa aad ayuu ugu farxay. Maalintii Uxud waxuu Abuu Bakar Siddiiq ahaa qofkii ugu horeeyay ee Rasuulka SCW kusoo laabtay kadib markay Muslimiintii jabeen.

Sidaa si lamid ahna waxuu ka qayb qaatay dhaqdhaaqyadii Axzaab, heshiiskii Xudeybiyah, duullaankii Kheybar, Cumradii la qalleeyey (Cumaratul Qaddaa), furashadii Makka, iyo dhammaan dhaqdhaaqyadii oo idil. Maalintii Tabuuk wuxuu siday calanka guud ee ciidanka Muslimiinta. Rasuulka SCW ayaa u wakiishay xajkii ugu horeeyay Islaamka sanadkii 9aad ee hijriyada, markaas ayaana loo dhalay wiilkiisii Maxamed bin Abii Bakar oo ay u dhashay afadiisii Asmaa bint Cumeys.

Rasuulka SCW markuu xanuunsaday wuxuu salaadda amray in uu Abii Bakar tujiyo. Caa’sha ayaa Rasuulka SCW ku tiri:- Rasuulkii Alloow! Abuu Bakar waa nin qalbi jilacsan oo oohin badan markuu Quraanku akhrinaya, ee maad amartid Cumar dadka ha tujiyee? Wuxuu Rasuulka SCW yiri:- Hala amro Abuu Bakar dadku ha tujiyee. Caa’isha waxay u tegtay Xafsah oo ay arrintii u sheegtay bal si ay iyana Rasuulka SCW u la hadasho iyaduna oo ay arrintaa ugu sheegto. Wuxuu yiri Rasuulka SCW markay Xafsa arrintaa kala hadashay:- Waxaad tihiin dumarkii Yuusuf shirqoolay (oo kale) ee hala amro Abuu Bakar dadka ha tujiyee.

Haddaba Abuu Bakar waxuu ahaa qofkii ku xigay Rasuulka SCW oo xilkan qaban lahaa iyo weliba kii ugu cilmiga badnaa saxaabada oo dhami Rasuulka SCW ka dib. Ishaarooyinkan iyo kuwa kale oo aan soo marnayba oo ay kamid yahiin albaabadii masjidka ee hala xiro uu Rasuulka SCW yiri, dhammaan ishaarooyinkan iyo kuwa kaloo badanba waxay ku tusin inuu Abuu Bakar yahay ninkii khilaafada qaban lahaa Rasuulka SCW bacdigiisa.

Goor barqo ah cadceedduna ay kulushahay maalin Isniin ah oo bishii Rabiicul Awal ay tahay 12 sanadkii 11aad ee hijriyada baa Rasuulka SCW la oofsaday oo uu dhanka Rabbigiisa aaday. Abuu Bakar Siddiiq markaasi wuxuu ku sugnaa goobta As- Suxni oo uu guri ku lahaa, halkaa buuna faras uga yimid oo inta masjidkii yimid dabeetana u dhaafay aqalkii Caa’isha buu u galay meydkii Rasuulka SCW oo inta wejiga maradii ka feyday ayuu dhunkaday oo ilmaduna ka qubatay dabeetana yiri:- Aabahay iyo hooyadayba kugu furtaye (Rasuulkii Alloow!) Alle labo dhimasho iskugu kaa dari mahayo, oo dhimashadii kuu qorneyn waad dhandhamisay. Misna wuxuu yiri:- Maxaa kaa udgoon badan Rasuulkii Alloow!! noolal iyo geeriba? Kadib Abuu Bakar wuu soo baxay oo dhanka dadkii soo abbaaray oo markaana Cumar wuxuu u gooddiyey qofkastoo yiraahdo:- Rasuulka SCW wuu dhintay. Waxaana la sheegaa in Muqiirah bin Shucbah uu u tegay Cumar oo u sheegay geerida Rasuulka Alle SCW. Markaa buu isaguna ka diiday oo ku yiri:- Been baad sheegtay.

Waxuu yiri:- Rasuulkii Alle SCW ma uusan geeriyoon oo mana geeriyoonayo, wuxuuse aaday xagga Rabbigiis siduuba Nebi Muuse CS u aaday oo afartan casho u maqnaa, kadibna yimid isagoo horey loo yiri:- Wuu dhintay. Dhaar Eebbee! Rasuulkii Alle SCW wuu soo laaban doonaa, markaas buuna gacmaha iyo lugaha ka jari doonaa dad badan oo sheegi inuu geeriyooday.

Werin kale waxay leedahay Munaafiqiin badan.

Abuu Bakar Siddiiq markuu usoo baxay dhankii dadka masjidka joogay oo uu Cumar u khudbeynayey uuna ku lahaa erayadaasi isagoona u gooddinayey inuu kurka ka jari doona ciddii tiraahdo Muxammed SCW wuu dhintay,ayuu Abuu Bakar soo galay oo Cumar u tilmaamay inuu fadhiisto, hase ahaatee Cumar arrintaa diidyay oo bartiisii ayuu kasii watay, waxaana ka qaalib noqday maalintaa murugadii oo xitaa miyirkiisii tirtirtay.

Kadib dadkii waxay u wada dhaqaaqeen dhankii Abuu Bakar, waayo wuxuu ahaa mid ay dadku jecelyahiin. Markaa buuna u khudbeeyay oo markuu Alle mahadiyey oo amaanay Nebiga SCW iyo ehelkiisana ku salliyey buu kadib yiri:- Intaa dabadeed, kiinnii Muxammed SCW caabbudijirayow! Maxammed wuu dhintay. Kiinnii Alle caabbudi jirayoow! Alle waa noolyahay oo ma dhimanayo. Kadibna waxuu akhriyey aayaddan:

”Maxamed (SCW) ma uuna ahaan, wax aanan Rasuul ka ahayn, kaasoo ay hortii tegtay Rusullo, ee ma haddii uu geeriyooda, ama la dilo baad u noqoneysaan dib ciribyadiinii (gaallimadiinii hore). Kiinnii kastoo dib ugu nooqda ciribtiisii hore Alle wax uu yeeli kara ma jirto, oo Illaahayna wuu abaal marin doonaa kuwa ku shukriya”. (Aali-Cimraan aayadda 144).

Aayaddaasi iyada ahi dadkoo dhami mabaysan ogeyn inuu Alle horey usoo dejiyey. Waxayna ogaadeen markii uu Abuu Bakar akhriyey, dabeetana qofkastoo maqlay intuu akhriyey ayuu meeshii ka dhaqaaqay isagoo qirsan inuu Rasuulkii Alle SCW dhintay.

Cumar bin Al Khaddaab wuxuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye markii aan maqlay aayaddaas iyadoo uu Abuu Bakar akhrinaya baan gariiray oo lugahii hayn kari waayey heer markii dambe aan dhulka ku dhacay. Markii uu akhriyey (Abuu Bakar) baana garowsaday inuu Rasuulku SCW geeriyooday.

Intaa kadib Rasuulka SCW waala aasay maalin Arbaco ah sida ku sugan kutubta siirada Nebiga SCW ee caanka ah. Cidi iimaam ma ka noqon janaasadiisii oo toban toban iyo goor goor ayaa loogu tukanayey.

Abuu Bakar wuxuu ahaa ninkii kaliya ee fahmay geerida Rasuulka SCW oo waliba u gartay siduu Alle Sarreeye Quraankiisa ku tilmaamay.

Doorashadii Abuu Bakar

Waxaa jiray ishaarooyin tilmaamayey in Abuu Bakar Siddiiq uu yahay ninkii ku xigi lahaa Rasuulka SCW oo khilaafada qaban lahaa, waxaana kamid ahaa axaadiis badan oo aan soo marnay iyo salaaddii uu Rasuulka SCW amray in dadka uu Abuu Bakar tujiyo iyo tilmaamyooyin kaloo badan. Waxaa taa dheereed ummaddii oo dhammaantood ku raalli ahaa Abuu Bakar aaminsanaana in uusan jirin axad ka fadli badan isaga Rasuulka SCW kadib.

Markii uu geeriyooday Rasuulka SCW, buu Abuu Bakar Siddiiq maqlay in koox Ansaar ahi ay ku kulansanyihiin saqiifadii banii Saacidah oo ay ka shirayaan arrimaha khilaafada. Arrintaasi waxaa Abuu Bakar iyo Cumar soo gaarsiiyey labo saxaabi oo kala ahayd Macni bin Caddiyi iyo Cuweym bin Saacidah. Raggakanina waxay ahaayeen Ansaar. Haddaba Abuu Bakar iyo Cumar waa ay soo dhaqaaqeen. Goor ay dhexda socdaan baa waxay la kulmeen Abuu Cubeydah bin Al Jarraax oo ay horey usii kaxaysteen, waxayna abbaareen dhankii saqiifadii banii Saacidah.

Ansaartu iyagu waxay istuseen inay amiir sameystaan, waxayna booskoodii u garteen ugaaskoodii Sacad bin Cubaadah bin Duleym As- Saacidi oo ay isku raaceen inuu asaga u noqdo amiir.

Markii ay Abuu Bakar, Cumar iyo Abuu Cubeydah yimideen goobtii ayay u sheegeen in arrintaan lagu ogyahay Qureesh maadaama hoggaankii xaramka ay iyadu haysay oo haddii ay Carabna maqalaan in khilaafadii ay qabatay cidaan Qureesh ahayn, ay taasi suuro gelineyso inay riddoobaan oo ay istusaan cidaan Qureesh ahaynba inay daw ku lahayn. Sidaa darteed waxuu Abuu Bakar u tilmaamay in labadan nin ee Qureesheed (Cumar iyo Abuu Cubeydah) midkood ay doortaan. Cumar bin Khaddaab arrintaasi siduu u dhibsaday isagoo ka sheekeyn jiray wuxuu oran jiray:- Dembi li’i baan jeclaa in unuunka la ii dheereeyo (kurka layga jaro) intii aan amiir unoqon lahaa ummad uu kujiro Abuu Bakar. Macnuhu wuxuu ka hadlayaa fadliga Abuu Bakar, iyo inuusan u noqon karin amiir nin asaga ka fadli badan.

Ansaartii waxay is tusinayeen in iyagu ay amiir sameystaan, waxaana kacay mid kaco oo kamid ah iyaga (Waxaa lagu sheegaa inuu ahaa Al Xubaab bin Mundir ) oo yiri:- Annagu Ansaar waxaynu leennahay amiir idinku Muhaajiriinna waxaad leedahiin amiir.

Ansaartu waxay ahaayeen kuwa ka badan Muhaajiriinta dhanka tiro ahaanta, oo Muhaajiriintu waa ay ka yaraayeen tirada Ansaarta. Hase ahaatee waxay Muhaajiriintu ahaayeen hoggaankii saxaabada oo muddo badan Rasuulka SCW agtiisa joogay waqtigii Makka, waxayna ahaayeen raggii ugu cilmiga badnaa saxaabada. Dhanka kale Ansaartu iyagu waxay ahaayeen dadkii reer Madiina ee u gar gaaray Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa. Waxayna ahaayeen raggii lagu tiirsanaa oo awood ahaan naf iyo maalba u qidmay Alle iyo Rasuulkiisa SCW, waxayna ahaayeen cududdii Islaamka.

Rasuulka SCW meelo badan ayuu Ansaarta ku ammaanay oo sida kutubta siirada ku sugan habeenkii Caqabadii labaad markii uu Abul Haytham bin Tihaam yiri:- Rasuulkii Alloow! Innaga iyo nimanka (Yahuudda ahi) waxaa isugu kaayo xiran xarko (heshiis iyo xilfi baa innaga dhaxeeyo oo gaashaan buur baynu nahay) oo waan gooyneynaa (haddaad ina amarto ) ee haddaba malaga yaabaa haddaynu sidaa yeelno dabeetana Alle kuu gargaaro inaad tolkaaga u laabato oo aad inaga soo tegto?

Rasuulka SCW intuu muusooday buu yiri:- Mayee! sidaa maahane dhiiggiinu waa dhiiggeyga oo nolol iyo geeriba idinkaan idinla jiraa, adinkuna anigaad ila jirtaan. Anigu idinka mid baan ahay oo idinkuna iga mid baad tihiin, oo qofkii aad la dagaashaan baanna la dagaali doonaa, ciddii aad soo dhaweysaan baana soo dhaweyn doonaa.

Habeenkaas waxay aheed habeenkii Caqaba ee heshiiskii labaad ee dhex maro raggaas Ansaarta iyo Rasuulka SCW. Waana ka hor intuusan Rasuulka SCW soo hijroon. Sidoo kale maalintii Xuneyn, markii ay saxaabadii jabeen Rasuulku SCW wuxuu amray Al Cabbaas bin C/Muddalib oo aad u cod dheeraa inuu u dhawaaqa Ansaarta si ay u soo laabtaan, oo u difaacaan Rasuulka SCW.

Durba waa ay soo gaddoomeen Ansaartii markii ay maqleen dhawaqa Al Cabbaas oo difaaceen Rasuulka SCW oo si daran uga qeyb qaateen dagaalka, iyo difaacidda Rasuulka jeer uu nasrigii yimid.

Maalintaasi iyada ahi Rasuulka SCW waxuu hanti iyo maal badan siiyey Muhaajiriinta iyo dad badan oo kamid ah kuwii diinta Islaamka ku cusbaa oo quluubtooda loosoo duwayey Islaamka xaggiisa. Qof Ansaarta kamid ahna waxba ma uusan helin. Rasuulku SCW Ansaartii wuu qadiyey oo qaybtii waxba kagama soo haggaajin, arrintaana waxay ahayd mid ay ku jirtay oo ay ku dheehnayd xikmad Allaah iyo Rasuulkiisu SCW oo kaliya ay garanayeen.

Haddaba Ansaartii ayaa markaasi hoos iskula hadashay oo gadoodday, oo gununacday iyaga oo aan garanayn sababihii dhaliyey arrintaasi ah, in Rasuulka SCW sidaa wax u qeybiyo. Markii uu dagaalku kululaaday ee ay saxaabadii jabeen, ayaga ayaa loo yeertay oo markay yimideen oo ay dagaallameenna, guul iyo nasri la helayna, waxba qaniimadii kama aanay helin. Waxayna xaaladdu gaartay heer ay qaarood Ansaarta iskula hadlaan si hoos ah iyagoo is leh:- Dhab ahaan Rasuulku SCW tolkiisii buu u yimid (oo yacni waxay u dhawdahay inuu idinka faaruqo). Ugaaskii Ansaarta ee Sacad bin Cubaada baa Rasuulka SCW u yimid oo ku yiri:- Rasuulkii Alloow! Ansaar waxa ay kuugu caroodeen sida aad wax yeeshay iyo qeybintii xoolihii qaniimada ahaa oo aad u qaybisay tolkaagii, iyadoo aad siisay siismo aad u weyn qabaa’illadii Carbeed iyaguna Ansaartu aadan haba yaraatee waxna siin..

Haddaba goor uu gadoodkii Ansaarta halkaa marayo oo dacwo kusoo biyo shubtay ayuu Rasuulku SCW ku yiri:- Oo Sacadoow! adigu xaggee baad ka taagan tahay arrintaa?

Waxuu yiri:- Rasuulkii Alloow! anigu tolkeyga ayaan wax la qabaa. Markaasuu Rasuulku SCW yiri:- Waxaad ii soo kulmisaa tolkaaga oo dhami. Kadib wuu dhaqaaqay oo waxuu soo kulmiyey tolkiisii. Markiina uu keenay tolkiisii oo uu Rasuulka SCW ula yimid oo dabeetana la fariistay, ayuu ku yiri kadib markuu Alle weyne mahadiyey, ducadii furfurashaduna akhriyey:- Ansaartiyeey! Oo maxuu yahay warkaan iga kiin soo gaaray ee ah inaad ii carooteen? Miyaanan ahayn mid idiin yimid idinkoo habawsan dabeetana Alle idin hanuunin? Oo miyaanan ahayn mid idiin yimid idinkoo cayr ah oo Alle idin hodmin? Oo miyaanan ahayn mid idiin yimid idinkoo cadaw isku ah oo Alle qalbiyadiinii isku soo duwin?

Kadib Waxay yiraahdeen:- Haah! Oo Alle iyo Rasuulkiisa ayaa gallad iyo abaal badanba lehe. Markaasuu yiri:- Oo miyeydaan ii jawaabeyn Ansaareey!!? Markaasey yiraahdeen:- Oo maxaan kuugu jawaabnaa Rasuulkii Alloow!? Alle iyo Rasuulkiisa ayaa gallad iyo abaal badanba lehe.

Markaasuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye haddii aad rabtaan waxad oran lahaydeen oo runna aad ku sheegi lahaydeen, oona la idiin rumeeyn lahaa:- Waad inoo timid adiga oo lagu beeniyey markaas baan ku rumeynay, oo aad inoo timid adigoo lagu dulleystay, saan kuu gargaarnay oo aad inoo timid adiga oo lagu soo saaray, markaasaan ku soo dhoweynay, oo aad inoo timi adigoonan waxbo haysan oo cayr ah, markaas ayaan ku hodminnay. Oo haddaba Ansaareey!! ma waxaad iigu carooteen haraa adduunyo oo aan qolooyin ugu soo duwaya diinta Islaamka ee aad idinku hirgeliseen oo aad xilkeedana qaadateen?

Oo miyeydaan raalli ku ahayn in dadku la tagaan ari iyo awr idinkuna aad guryihiinnii ula noqotaan Rasuulkii Alle? Allihii nafta Maxammed ay gacantiisa ku jirtay baan ku dhaartaye haddii aysan jiri lahayn hijro (yacni qaxootinnimo), waxaan noqon lahaa qof Ansaarta kamid ah. Oo hadday dadku waddo qaadaan, Ansaartuna waddo qaaddo, waxaan qaadi lahaa waddada Ansaar. Allahayoow!! Ansaar u naxariiso oo u naxariiso Ansaar iyo dhashooda iyo dhasha ay dhalaan dhashoodu. Markaas ayey Ansaar wada ilmeeyeen oo ay ilmadu hibisiqleeyeen oo ay yiraahdeen iyagoo wada hiqleyn oohinta:- Waanu ku qanacnay qaybinta iyo siismada Rasuulka Alle SCW oo aan ku raalli noqonnay inaan saami u helno Alle iyo Rasuulkiisa SCW.

Haddaba fadliga Ansaartu wuu badnaa oo waxay ahaayeen dad uu Rasuulka SCW aad u jeclaa iyaguna ay jeclaayeen, waxuuna u wakiishay Allaah iyo iimaankooda maalintaa iyada ah ee uu qeybinayey qaniimadii Jicraanah. Waxaana xusid mudan in Rasuulka SCW markii uu geeriyoonayey uu ka dar daarmay Ansaarta oo uu tilmaamay inay dadku badan doonaan, Ansaartuna ay yaraan doonta, waxuuna Muslimiinta ka dalbaday ama amray in Ansaar iyo ubadkooduba la xaq dhowra, waayo xaqii saarnaa way guteen oo waxaa markaasi haray xaqoodii.

Illaahay kor ahaaye Quraankiisa ayuu meelo badan ku amaanay Ansaarta, waxaana xusid mudan in magacooda (Ansaar) laga helaya Quraanka meelo badan, waana magac uu Alle kor ahaaye u bixyey iyaga, oo uu udooray Illaahay haka raalli noqdee.

Sidaa darteed bay Ansaartu is tuseen inay amiir yeeshaan ama ayba iyagu khilaafada qabtaan Rasuulka SCW bacdigiisa.

Kadib waxaa kacay mid kaco oo kamid ah Ansaarta (oo lagu sheegay inuu ahaa Useyd bin Xudeyr- saaxibul xikmah), waxuuna jeediyey khudbo cajiib ah oo uu Ansaarta kula hadlayey oo waxuuna tilmaamay inay iyagu yahiin Ansaartii Rasuulka Alle SCW, lagana doonayo inay noqdaan Ansaartii khaliifadiisa. Kadib buu Cumar kacay oo su’aalay Ansaartii inay jirta cid ku raalli noqotay Abuu Bakar oo Rasuulka SCW horey u amray salaadda inay ka hor marto.Hase ahaatee cidi arrinkaa kuma aysan dhiirran. Ansaartiina waxay ku qanceen khudbadii ugaaskooda Useyd oo saameysay iyo weliba kalmadihii Cumar. Markaa buu Cumar ku yiri Abuu Bakar:- Fidi gacantaada. Oo la mubaayicooday dadkiina ay la mubaayicoodeen intoodii goobtaas joogtay.

Kadib wuxuu tegay masjidkii oo dadkii beyco guud la galay oo misna eegay dadka isagoo mimbarka saaran, wuxuusa dadka ka dhex arki waayey Zubeyr bin Cawaam. Markaasuu u cid. Markii uu yimid ayuu su’aalay sababta ku kalliftay ka dib dhaco beycada isagoo ay dhashay Rasuulkii Alle SCW eeddadiis. Markaa buu Zubeyrna u cududaartay inuu arrimo ku mashquulsanaa oo kadibna la mubaayicooday. Sidaa si lamid ahna wuxuu mar kale dadka ka dhex eegay Cali oo markii uu ka dhex waayey, u cid diray. Markii uu yimidna wuu u cududaartay, dabeetana waa uu la mubaayacooday.

Shiicadu waxay aaminsanyahiin inuusan Cali la mubaayicoon Abuu Bakar Siddiiq. Waxaase cad oo axaadiis badan oo saxiix ahna ku sugnaaday inuu Cali la mubaayicooday Abuu Bakar labo goor. Mar waa markii hore ee la doortay, marka kalena waa kadib markii ay geeriyootay Faadimah bint Rasuulillaah SCW oo ay horey arrini ka dhex dhacday iyada iyo Abuu Bakar Siddiiq. Arrintaasina ma ahayn mid sidaa usii buuran

Taasuna sababteedu waxay ahayd Faadimah ayaa weydiisatay Abuu Bakar inuu siiyo dhul istaraatiiji ahaa oo uu Rasuulka SCW lahaa. Abuu Bakarna waxuu usheegay in dhulkaasi uusan siinahayn, waayo buu yiri Rasuulka SCW ayaan horey uga maqlay isagoo leh:- Haddaynu nahay kulanka Ambiyada (yacni Nebiyada) nalamo dhaxla oo waxaynu ka tegnaana waa sadaqo. Faadimah way isaga tegtay Calina markaa inkastoo uu la mubaayicooday haddana waxuu ku mashquulsanaa dabiibinta iyo la tacaalidda Faadimah oo markaa xanuunsaneyd. Markiina ay geeriyootay dhimashadii aabaheed (Nebiga SCW) kadib muddo laga joogo 6 bilood, buu Cali mar kale jadiidiyey baycadii oo la mubaayacooday Abuu Bakar oo oo misna usoo jeestay la shaqeynta khaliifadii Rasuulka SCW. Waxaana arki doonnaa inuu Cali kamid ahaa Raggii ugu cad caddaa khilaadii Abuu Bakar.

Dhanka kale Abuu Bakar Waxuu ahaa mid ahlu beydka Rasuulka SCW si aad u weyneyn jirtay aadna u jeclaa, sidooy tahayna wuxuu ahaa mid ku ad adag kitaabka iyo xukunka Alle,oo waxuu ahaa mid ku qayidan kitaabka Alle iyo sunnaha Rasuulka SCW.

Haddaba Abuu Bakar markii la doortay waxuu goobtaa ka jeediyey khudbo gaaban oo misna aad u qiimo badan. Khudbaddiisaasi waxay ahayd sida tan:

Dadoow! anigu waala iiga kiin madax dhigay, mana ahi kiinnii idinkugu kheyrka badnaa. Iigu gargaara haddii aan toosnaada, haddii aan gafana i qabta. Runtu waa amaanoo beentuna waa khiyaano, kiinnii daciifka ahina agteyda awood buu ku leeyahay jeer aan xaqiisa siiyo. Kiinnii ugu awoodda badanna agteyda wuu ka itaal daranyahay jeer aan xaqa kasoo qaado. Majirta umad ka tegto jihaadko illaa Alle wuu dulleeyaa.

Diriddii Ciidanka Usaamah

Haddaba markii la doortay Abuu Bakar waqtigaasi Muslimiinta waxaa soo wahajday arrin adag oo qabaa’ilkii oo idil baa ka baxay diinta Islaamka geeridii Rasuulka SCW ka dib, qaar kalana waxay diideen inay bixiyaan sakadii oo waxay ku andacoodeen in sakaba lagu lahayn mar hadduu Rasuulkii SCW dhintay. Dadku waxay u qaybsameen kuwa nifaaq ka buuxay oo dhimashadii Rasuulkuba SCW ay ku noqotay bishaaro iyo guul ay heleen iyagoo markaana ay neeftii nifaaqa kasoo go’day. Kuwaasi si deg deg ah bay ku ridoobeen. Iyo kuwa iyagu Nebinnimo sheegtay oo iimaanlaawayaal ahaa oo been badnaa sida Museylama Al Kaddaab iyo Aswad Al Canasi iyo kuwa kale. Waxaa sidoo kale jiray kuwa iyagu noqday dameer dhaan raacday oo odayaashoodii daba naashleeyey jeer ay qaarkood jahannama ula safreen, iyo kuwa islaamka ku sugnaaday hase ahaatee diiday sakada inay bixiyaan sidaynuba soo xusnay. Xaaladdaasi cakiran iyo jawigaasi foosha xun baa hor istaagay Abuu Bakar, waxuuse uga gudbay caqligiisii iyo Illaah oo garab istaagay, heer muddadii koobneed ee khilaafadiisa uu jaziiraddii oo idil sifeeyay oo nadiif ka dhigay, kuna soo celiyey gacantii Islaamka.

Waxaa Islaamka ku sugnaaday magaalooyinkii Madiina, Makka iyo Dhaa’if iyo qaryo kutiillay Baxreen oo la oran jiray Jawaatha. Jawaatha waxay noqotay qaryadii ugu horreysay ee salaadda jimcaha lagu oogo kadib markay dadkii xaqa usoo noqdeen oo Islaamka usoo laabteen.

Xaaladdu waxay noqotay mid daran oo qaraar. Sidaa oo ay tahay waxaa jiray ciidan yara culus oo ciidankii Islaamka ahaa oo malaha edbin lahaa kuwii riddoobay, xaaladda qallafsanna ka saari lahaa umaddii Islaamka. Ciidankaasi waxuu ahaa cududdii Islaamka oo waxuu ahaa ciidankii Usaama bin Zeyd uu Rasuulka SCW horey ugu diyaariyey inay ku duullaan dhulka Shaam. Ciidankaasi markaa iyada ahi waxaa ku jiray Abuu Bakar Siddiiq, Cumar bin Khadaab iyo odayaashii asxaabta. Waxay ku hakadeen ciidankii goobta Jurfa markii uu Rasuulka SCW xanuunsaday oo sakaraadka qabtay. Waqtigaasina waxuu salaaddii amray Rasuulka SCW inuu dadka tujiyo Abuu Bakar oo ciidankii kasoo reebay. Usama bin Zeyd markaa waxuu ahaa 17 jir ama 18 jir. Haddaba intuusan Usaama bixin buu Rasuulka SCW geeriyooday, kadibna waxaa la doortay Abuu Bakar. Markii Abuu Bakar la doortay oo qabaa’ilkii Madiina hareeraheeda deganaana ay diinta ka baxeen bay qaar kamid saxaabadii oo ay kamid ahaayeen Abuu Ayuub Al Ansaari, Abuu Dardaa Al Ansaari, Cumar bin Khaddaab iyo kuwa kale baa Abuu Bakar u tilmaamay in ciidanka Usaama la dirin maadama xaaladda magaallada ay cakirantahay oo reer miyigiina ay doonayaan inay soo weeraraan.

Waxay yiraahdeen iyagoo arrintaasi Abuu Bakar kala hadli:- Oo maxaad ciidanka Usaama u direysaa iyadoo Carabi riddoowday guud ahaan iyo gaar ahaan qabiilladii oo idil, iyadoo xidiggii nifaaquna uu bidhaammay, Yahuuddii iyo Nasaaradiina ay kacday oo Muslimiintiina ay yaraadeen, cadawgooduna batay?

Abuu Bakar wuu diiday waxaan ka ahayn inuu diro ciidankii Usama, oo waxuu go’aansaday in la diro oo waxuu tilmaamay inuusan daw ku lahayn inuu celiyo ciidan uu horey Rasuulka SCW u diray iyo in weliba uu hoggaanka ciidanka ka baddelo Usaama oo ahaa nin uu horey Rasuulka SCW u magacaabay. Kaasoo markaa ka hor dadku qaarkiis ay yiraahdeen halaga bedallo hoggaanka ciidanka. Arritaasina waxay la direen Cumar si uu Abuu Bakar u gaarsiiyo, hase ahaatee Cumar waxuu kala kulmay agta khaliifkii Rasuulka SCW caro iyo canaan kulul. Markii uu Cumar Abuu Bakar gaarsiiyey warka ah in odayaasha saxaabadu ay Abuu Bakar ka dalbanayaan in ciidanka laga badallo hoggaaminta Usaama, ntuu Abuu Bakar si aad ah u carooday ayuu Cumarna ku canaantay. Dabeeto Abuu Bakar waxuu amray in uu baxa ciidanka Usaama, asagiina wuxuu abbaaray xeradii ciidanka ee Jurfa bal si uu u sogootiyo oo u lana dardaarma. Intaasi kadibna waxuu u diray dhankii Shaam oo ah halkiii uu Rasuulka SCW horey ugu cayimay, waa goobtuu horey Rasuulka SCW ugu diray ee Daaruum iyo Bulqaa, waxuuna amray inuu gaaro goobtii aabahii Zeyd iyo Jacfar iyo raggii Mu’ta lagu dilay. Waxaa kaloo uu Abuu Bakar Usaama amray in uu la tashado ragga akhyaarta ah ee saxaabada oo ay kamid ahaayeen Abuu Ayuub Al Ansaari, Abuu Dardaa iyo kuwa kale oo badan. Wuxuu intaa dabadeed ka codsaday inuu Cumar ka reebto bal si uu xaaladda ugula tashado, isagiina wuu ka yeelay.

Abuu Hureyrah Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye uusanna jirin Illaah kale isaga mooyaane, haddii Abuu Bakar la doortay Alle inaan la caabudeyn. Mar kowaad iyo mar labaad iyo mar saddexaad buuna yiri sidaa. Waxaa lagu yiri:- Oo sabab Abaa Hureyroow!? Waxuu yiri:- Rasuulka SCW baa Usaama u diray dhanka Shaam isagoo madax u ah ciidan 700 ah, markiina ay degeen goobta Dii Khashab baa Rasuulka SCW la oofsaday, dabeetana Carabtii hareeraha Madiinana ay wada riddoobeen. Markaa bay asxaabtii Rasuulka SCW isaga (Abuu Bakar) u tegeen oo ku yiraahdeen:- Abaa Bakaroow! celi oo ha dirin ciidankan ku wajahan dhanka Ruum iyadooy Carabtii hareeraha Madiina oo idili riddoobeen. Markaasuu Abuu Bakar yiri:- Allihii Illaah isaga kasokeeya uusan jirin baan ku dhaartaye! haddii ay eeyahu hoos or-ordayaan lugaha hooyooyinka Mu’miniinta yacni dumarkii Rasuulka SCW hoostooda, marna celin mahayo ciidan uu Rasuulka SCW diray oo mana siibaya calan uu Rasuulka SCW xiray.

Bal fiiriya iimaankii Abuu Bakar halkuu gaarsiisanaa, waxay ahayd xilli ay xaaladdu cakirneed, waxuuna wax waliba ka hor mariyey inuu fuliya howshii uu Rasuulka SCW qabyada uga tegay. Maadaama uu horey Rasuulka SCW u diray ciidankaasina waxuu Abuu Bakar aaminsanaa inuusan marnaba hoogayn oo Alle guul iyo wanaag ku dhammeyn doona. Waxuu sogootiyey ciidankii oo la dardaarmay, gaar ahaanna waxuu la dardaarmay Usaama oo guul iyo kheyrna Illaah uga baryey, waxuuna amray inuu la tashto ragga akhyaarta saxaabada ah. Haddaba ciidankii wuu baxay. Qoom kastooy sii maraanna waxay lahaayeen:- Haddii aanay dadkan (Muslimiinta ahi) awood lahayn ma aanay soo diri laheen ciidanka intan dhan. Waxayna is oranayeen bal isku eega iyaga iyo Ruumaanka oo haddii laga adkaado waa sidaanu rabnay, haddaysa adkaadaan u noqda wixii aad horey uga baxdeen (Islaamka).

Dhanka kale waxay taasi fajac iyo yaab ku noqotay boqortooyadii Ruumaanka ciidanka dhulkooda waqtigan kusoo duulay iyadoo weliba saaxiibkood (Muxammed SCW) uu geeriyooday, waxayna arrintaasi ku ridday Ruumaanka niyad jab, rucbi iyo argagax oo way jabeen, markaa bay Muslimiintiina khalqi badan ka dileen, waxna ka soo qaniimeysteen iyagoo bad qabana magaaladoodii Madiina kusoo laabteen muddo 40 ama 60 casho ah kadib.

Waxuu ciidankan Usaama ku tusin heerkii iimaanka Abuu Bakar uu gaarsiisana, sidooy tahayna waxuu Abuu Bakar ahaa mid ay ku weynayeen amarrada Rasuulka SCW oo wax waliba ka hor marin jiray fulintooda. Sidaa darteed buuna marna aaminsaneyn inay arrin uu Rasuulka SCW horey u falay inaysan ku dhammaaneyn waxaanan kheyr ka ahayn. Haddaba ciidankii Usaama waxuu ahaa dharbaaxo ka yaabisan quwaddii Ruumaniska oo yaab iyo amakaag ku noqotay heer uu boqorkoodii yiri:- Oo waa maxay kuwa kan ee saaxiibkood geeriyooday oo baladkayagiina kusoo duulaya? Arrintaasi wax lala yaabo ma aysan ahayn oo Abuu Bakar waxuu ahaa nin muddo la soo dhaqmayey Rasuulka SCW, waxuu ahaa mid uu Rasuulka SCW soo tarbiyeeyay.

Dhanka kale ciidankii Usaama waxuu yaab iyo amakaag ku riday kuwii diinta ka riddoobay oo qaarkood markay arkeen ay dib ugu soo laabteen Islaamka, waxayna ahayd guul iyo lib isoo hoyatay Islaamka.

La Dagaallankii Dadkii Riddoobay & Kuwii Sakada Diiday

Waxaynu soo xusnay in markii Rasuulka SCW la oofsaday Carabi ay riddowday oo xiddiggii nifaaquna uu Madiina ka bidhaamay, heer ay qaar kamid ah dadkii daganaa magaalada hareeraheeda ay damceen inay soo weeraraan magaallada oo ay ka faa’ideystaan fursaddii dahabiga ahayd ee ay ciidankii Usaama magaalada kaga maqnaayeen. Haddaba markaa bayna qaar kuwaa kamid ahi Nebinnimo sheegteen oo markaasi Museylama Al Kaddaab reer banii Xaniifa badankoodii la go’ay, oo ay iyagiina indha la’aantiisii ku raaceen. Sidaa si lamid ahna waxaa Nebinnimo sheegtay Aswad Al Canasi oo Yemen ku sugnaa oo kala eryay masuuliyiintii halkaa Rasuulka SCW u joogtay, dabeetana waxay yimideen masuuliyiintaasi magaalladii Madiina.

Runtii waxay ahayd goor ay xaaladdu adkeyd oo Muslimiinta meel waliba uu cadawgooda ka jiray. Waxaa kaloona Nebinnimo sheegtay Julundaa Al Usdi saaxiibkii reer Cumaan, Dhuleyxa bin Khuweylid Al Asdi iyo Sujaax bint Xaarith At Taqlabiyah. Qaar kale waxay diideen inay bixiyaan zakadii, hase ahaatee acmaasha kale sidooda caadiga ah bay ula yimaadeen. Dhammaan dadkaasu iyaga ahi Abuu Bakar isku si ayuu ula dagaallamay, inkastoo uu isku meel dhigin oo qolaba si goonni ah uu xaqeedii umiisay, mise zakado ha diido ama yaanay diidine, waxuuna go’aansaday inuu ku duulo ka hor intaysan kusoo duulin kuwii deganaa hareeraha Madiina. Guud ahaanna waa kuwa qabaa’ilkii riddoobay iyo magacyadooda.

  1. Waxaa riddoobay banii Asad iyo Qadfaan oo madax ka dhigtay Dhuleyxa bin Khuweylid oo isagu Nebinnimo sheegtay.
  2. Waxaa kaloo riddoobay Kindah iyo intii soo raacda oo uu madax uyahay Ashcat bin Qeys Al Kindi.
  3. Sidoo kale waxaa riddoobay Mudxij iyo inta soo raacdo oo uu madax u yahay Al Aswad bin Kacab Al Canasi oo Yemen ku sugnaa, sheegtayna Nebinnimo.
  4. Waxaa kaloo riddoobay Rabiicah oo uu hoggaamin Macruur bin Nucmaan bin Al Mundir.
  5. Banii Xaniifana iyana wey riddoobeen, waxaana madax u ahaa saaxiibkood Museylama bin Xabiib (Museylama beenaale) oo Nebinnimo sheegtay.
  6. Waxaa riddoobay banii Saliim oo uu hoggaaminayey Al Fujaa’ah oo magaciisa saxda ahna la oran jiray Anas ama Ilyaas bin C/Yaaleel.
  7. Banii Tamiimna qaar kamid ah ayaa riddoobeen iyadoo ay hoggaamineyso haweeney la oran jiray Sujaax oo Nebinnimo sheegatay, taasoo ka dhalatay reer Taqlab.
  8. Waxaa sidoo kale riddoobay reer Cummaan oo uu hoggaaminyey nin la oran jiray laqabkiisu Dut-taaj magaciisuna uu ahaa Laqiid bin Maalik, waqtigii jaahiligana loo yaqiinnay Julandaa. Waxuu ninka kan sheegtay Nebinnimo.
  9. Sidoo kale waxaa riddoobay reer Baxreen, oo madax ka dhigtey Mundir bin Nucmaan

Haddaba waxaa Abuu Bakar is hor taagay Cumar bin Khaddaab oo ku yiri:- Khaliifkii Rasuulkoow! oo sideed ula dagaali qoom salaaddii tukan oo soomi xajkuna tegi? Ma Carab oo idil baanu la dagaallami karnaa? Waxuuna dhanka kale tilmaamay in kuwaasi la barbar dhigin kuwan iyagu riddoobay, oo misna waxuu tilmaamay in xaaladdu ay cakirantahay oo aanay suuro gal ahayn in Carab idil baa lala dagaallami la yiraahdo. Abuu Bakar waxuu yiri isagoo Cumar u jawaabaya:- Oo ma waxaad ahayd mid ad adag oo xoog wax ku maamusha waqtigii jaahiliga, haddana ma waxaad noqotay mid Islaamka ku dabacsan oo taag daran? Waxuu kaloo yiri:- Illaah baan ku dhaartaye waan la dagaallami ciddii kala geyso salaad iyo zako, oo waan la dagaallami ciddii ii diiddo dabar ama waxar ay Muxammed SCW siin jirtay.

Markaa iyada ahi oo Madiina loo wada baqayey, ayuu Abuu Bakar Siddiiq amray qaar kamid ah madaxdii iyo raggii ugu sar sareeyay dowladdii islamka inay hareeraha magaallada difaac culus ka galaan raggaana waxay kala ahaayeen C/Raxmaan bin Cowf, Cali bin Abii Daalib, Zubeyr bin Al Cawaam, Sacad bin Abii Waqaas, Dhalxa bin Cubeydillaah iyo C/llaahi bin Mascuud. Waxaa kaloo uu amray in masjidka heegan lagu noqda. Sidaa darteed qof kastoo hub qaad ahi masjidkuu seexan jiray. Waqtigaasina waxay ahayd markii ciidankii Usaama uu maqnaa.

Kadib Abuu Bakar waxaa u yimid wafti kasocday banii Asad, Dhayi iyo Qadfaan iyo reer miyigii kalee qallafsanaa. Waxay markii hore u tegeen Al Cabbaas bin Cabdimudalib oo isagu u geeyay Abuu Bakar. Markaasay iyana Abuu Bakar ka dalbadeen in aysan zako bixin oo aananba lagu lahayn wax zako ah mar haddii uu Rasuulka SCW geeriyooday. Abuu Bakar wuu kadiiday arrinkaasi. Markaasay laabteen oo tolkoodii aadeen. Abuu Bakar Muslimiintii ayuu u sheegay raggaasi inay usoo bandhigeen in zakada laga dhaafo oo aanan wax zako ah lagu lahayn, wuxuuna sidoo kale u sheegay inuu arrintaasi ka diiday. Waxaa kaloona uu usheegay inay raggu u arkeen reer Madiina kuwa itaal yar oo aanan awood lahayn, waxuuna amray inay hubkooda diyaarsadaan heeganna ay ku noqdaan masjidka, waayo lamo hubo buu yiri dharaar ama habeen kolkay idinku soo duuli lahaayeen.

Haddaba waxaa dhacday siduu Abuu Bakar horey u tilmaamay oo reer miiyigii waxay tolkoodii ula tegeen khabar ah in uusan Madiina joogin wax ciidan ah, ciidankii weynaa ee magaaladuna uu jira Shaam. Markaa bayna kusoo duuleen magaalladii iyagoo fursaddaasi ka faa’ideysanaya. Waxay soo kala degeen goobaha Dul Xisaa iyo Dul qasaa oo magaalada Madiina wax yar u jira qayaastii.

Abuu Bakar waxuu soo kallahiyey goor aroor ah cidamadiisii oo uu dhanka midigtana u dhiibay Nucmaan bin Muqarrin, bidixdana C/llaahi bin Muqarrin halka uu gaadada dambee ciidankuna uu madax uga dhigay walaalkood Suweyd bin Muqarrin, waxayna labadii ciidan yacni reer miyigii iyo kuwii Muslimiinta isku heleen goobaha kala ah Dul xasaa iyo Dul qasaa oo qabaa’illaddii Carbeed si ba’an loogu jebiyey heer markii dambe ay dabada rogteen oo jihadoodii hore ku rooreen. Waxaana goobtii ku hoogay isbahaysatadii banii Dibyaan, Cabas, Murrah iyo gurmad uu usoo diray Dhuleyxa bin Khuweylid oo uu hoggaaminayey wiilkiisa Xibbaal bin Dhuleyxa bin Khuweylid. Intaa kadib Abuu Bakar waxuu kusoo laabtay magaaladii Madiina isagoo guul iyo qaniimana kasoo helay cadawgiisii. Markaana waxaa yimid magaallada Madiina qaar kamid ah raggii zakada loo diray, oo waxaa yimid gelinkii horee habeenkaasi Cadiyi bin Xaatim oo keenay zakada jihadii horey loogu diray, waxaana Abuu Bakar bishaarada zakadaasi soo gaarsiiyey C/llaahi bin Mascuud ama Abuu Qataadah Al Ansaari. Nuska dhexa ee isla habeenkaasi waxaa yimid Safwaan oo keenay zakada jihadii horey loogu diray, waxaana Abuu Bakar ugu bishaareyay imaanshaha Safwaan iyo zakaduba Sacad bin Abii Waqaas. Isla habeenkaasi aakhirkiisii waxaa yimid Zabarqaan bin Bader oo keenay zakadii jihadii loo diray oo ah qaar kamid ah tolkiisa banii Tamiim. Ninkii Abuu Bakar ugu bishaareyey imaanshaha Zabarqaan iyo zakadiisiina waxuu ahaa saxaabiga jaliilka ee C/Raxmaan bin Cowf.

Haddaba waxay ahayd guul iyo nasri uu Illaah usoo dejiyey addoomadiisa Muslimiinta ah goor ay xaaladdoodu cakirneed oo meel xun mareysay, oo hareerahoodii oo idil ay cadaw u noqdeen. Waxayna ahayd guushii ugu horeysay ee uu Abuu Bakar ka helo cadawgiisii, gaar ahaanna dadkii riddoobay. Arrimahaan oo dhamina waxay ku tusin heerkii uu joogay iimaankii Abuu Bakar oo horey ayuu u yiri:- Waxaan kula dagaallami amarka Alle jeer uu Alle inooga oofiyo ballantiisii, oo la dilo midkayagii la dili lahaa oo uuna dhinta isagoo shahiid ah kana mid ah ahlu Jannada, oo uuna haro kaayagii hari lahaa isagoo guul iyo liibaan helay.

Habeenkaa iyada ahi ee uu Abuu Bakar guusha la soo hoyday oo zakooyinkii qaar kamid ahna yimideen, waxay ahayd goor laga jooga geeridii Rasuulka SCW lixdan casho. Kadibna waxaa yimid ciidankii Usaama bin Zayd oo iyaguna Ruumaankii kasoo guuleysay. Abuu Bakar waxuu amray inay ku haraan magaallada oo ay nastaan maadama ay muddo maqnaayeen oo masaafo fogna ka yimideen. Wuxuuna markaasi kaxaystay ciidamadiisii kala soo dagaallamay Dulqasaa iyo Dulxisaa oo uu ku rogaal celiyey Dulqasaa si uu dhoolo tus ugu sameeyo goobtaas iyo nawaaxigeeda oo looga haybeysto, tanina waxay ahayd farsamo uu horey u baray saaxiibkiisii Nebi Muxammed SCW. Waxaa lagu yiri Abuu Bakar:- Oo maad dirto qof kale baddalkaaga? Wuuse ka diiday oo waxuu aaday dhankii Dul qasaa iyo Dul Xasaa iyadoo Nucmaan, Suweyd iyo C/llaahi ilma Muqarrinna ay sidoodii hore labada dhinac iyo gaadada dambe ee ciidanka masuul uga kala yahiin. Wuu socday Abuu Bakar jeer uu dul degay Ahlu Rabdah goobta Al Abraq, waxaana halkaa ku sugnaa koox kamid ah banii Cabas iyo Dubyaan iyo xayn kamid ah banii Kinaanah. Waxaa dhex maray dagaal, kaasoo uu Alle ku jabiyey Xaarith iyo Cowf, waxaana lasoo qabtay Al Xadhiinah oo shaacir caan ahaa qafaal ahaan, markaa bayna Banii Cabs iyo Bakar kala firxadeen, Abuu Bakarna goobtaa waxuu ku sugnaa muddo oo dabeetana magaaladiisii kusoo laabtay kadib markuu Cabas iyo Dubyaan ka faaruqay, isagoo bad qabo soona qaniimeystay ayuuna yimid mar kale.

Abuu Bakar Oo Mar Kale Joogo Dilqassaa & Dhisiddii 11-Ka Ciidan

Markaa iyada ahi waxay ahayd goor uu yimid ciidankii Usaama, Abuu Bakarna uu soo edbiyey dadkii riddoobay ee hareeraha magaallada deganaa. Markaa buuna damcay inuu ciidamadii Muslimiinta isku dhafo oo ciidan culus diyaarsada, kuwaasoo uu isagu laf ahaantiisu hoggaanka uqabto, waxayna ahayd goor ay nasteen oo ay degeen ciidankii Usaama ee masaafada fog ka yimid. Abuu Bakar markaa ayuu seeftiisa galka kala baxay oo isku diyaariyey la dagaalanka dadkii diinta ka riddoobay, oo waxuuna kaxaystay ciidankii Madiina guud ahaan oo wax yarna uga tegay magaalada si ay u difaacaan, waxuuna abbaaray dhankii Dulqasaa oo ah meel Madiina udhaw loogana socda qayaastii dhowr iyo soddon km. Markii uu Abuu Bakar magaallada ka baxayey ayuu Cali ku dhegay hoggaankii daabbadii Abuu Bakar Siddiiq oo ka dalbday inuusan isagu bixin oo uu booskiisa ciidanka masuul uga dhigo nin geesi ah oo halyeeyada Muslimiinta kamid ah, oo haddii kaa la dilana uu markaa mid kale magacaabi karo, laakiinse ayuu yiri Cali:- Haddii lagu dilo Khaliifkii Rasuulkoow!! SCW dowladdu nidaam yeelanmeyso oo kala dambeyntii baa meesha ka baxayso oo Muslimiintuna niyad jab weyn baa ku imanayo. Sidaa si lamid ahna qaar saxaabada kamid ah baa Abuu Bakar kula taliyeen. Kadib buuna Abuu Bakar ku qancay fikraddaa quman ee uu Cali usoo jeediyey iyo weliba qaar kamid saxaabada ay usoo jeediyeen. waxuuna dhisay kow iyo toban ciidan oo ciidan waliba uu u xiray calan uuna uyeelay amiir, waxayna ahaayeen 11-kaasi ciidan sida tan:

  1. Waxuu diray Khaalid bin Waliid oo uu u diray dhanka Dhuleyxah bin Khuweylid.
  2. Waxuu misna diray Cikrimah bin Abuu Jahal oo uu udiray dhanka Museylama bin Xabiib (Museylamah Al Kaddaab) oo isagu ku sugnaa Yamaama.
  3. Waxuu kaloo diray Shuraaxbiil bin C/llaahi (Ibnu Xasanah) oo uu ku diray raadkii Cikrimah iyo dhankii banii Xaniifah iyo weliba qaar kamid ah Qudaacah.
  4. Muhaajir bin Abuu Umayah-na waxaa uu u diray dhanka Yemen iyo Aswad Al Canasi iyo weliba si uu ugu gargaaro qolooyinka Al Abnaa- * layiraahdo.

*Al abnaa-gu waa dadkii yimid Yemen waqtigii Seyf bin Diiyazin Al Ximyari uu madaxa ka ahaa Yemen oo idil, waqtigaasoo uu dagaallo kula jiray xabashidii dhulkooda soo weerari jirtay, markaa buuna Seyf bin Dii Yazin u tegay boqorkii Ruum si uu uga gargaaro oo uga hiilliyo Xabashidan nafta u keentay. Hase ahaatee boqorkii Ruum waa uu ka diiday arrintaasi sabab darteed ay isku diin ahaayeen isaga iyo Xabashida oo Nasaaro bay isla ahaayeen. Markaa buu Seyf bin Dii Yazin u tegay boqorkii Kisraa ee waqtigaa Furus xukumi jiray oo weydiistay gargaar iyo inuu ciidan ku caawiya. Markaa buu kusoo daray koox Faarisiin ah oo Xabashidii ka saartay dhulkii Yemen, dabeetana way degeen oo Carabtii bay ka guursadeen, markaa bay hanaankii Carabta yeesheen oo luuqaddiina si wacan u barteen, kadib carruurtii ay ka dhaleen Carabta ayaa loo yaqiinnay Al Abnaa oo waxay ahayeen dad iyagu kusugnaaday Islaamka. Waxayna degnaayeen Yeman. Aswad Al Canasi ayaana dhibaatooyin ku hayey.

  1. Khaalid bin Saciid bin Al Caas Al Umawina waxuu u diray bariga Shaam.
  2. Camr bin Al Caas bin Waa’il As Sahmina waxuu u diray qeyb kamid ah Qudaacah iyo Wadiicah iyo Xaarith.
  3. Xudeyfah bin Muxsin waxuu udiray Ahlu Dubaa.
  4. Dharfah bin Xaajib-na waxuu u diray dhanka banii Saliim iyo intii soo raacdo oo kamid ah Hawaasim.
  5. Suweyd bin Muqarrin Al Muzani waxuu u diray Tihaama oo kamid ah Yemen.
  6. Curfajah bin Harthama Al Baaruqiyu waxuu u diray dhanka reer Mahrah.
  7. Calaa bin C/llaahi bin Dammaad Al Xadrami-na waxuu u diray dhanka Baxreen.

Kadibna Abuu Bakar waxuu ciidan waliba amiirkooda u dhiibay warqad si uu ugu dul akhriyo jamac kasto oo uu sii marabo oo uuna xagga Alle ugu yeero. Waana tan nas kamid ah warqaddii uu Abuu Bakar u qoray dadkaas:

Ku billaabid magaca Allaah Naxariis guud iyo mid gaarba Naxariista

Ka:- Abuu Bakar Siddiiq- Khaliifkii Rasuulka Alle SCW.

Ku:- cid kastoo ay gaarto warqadeydan guud ahaan gaar ahaan kuwii ku sugnaaday Islaamka ama ka laabtay.

Nabadi ha ahaato dusheeda ciddii raacda hanuunka oo aanan u noqon hanuunka kadib baadi iyo hawo.

Oo waxaan ku mahadin Allaaha uusan jirin Alle kale isago mooyaan. Waxaana qiri inuusan jirin mid xaq lagu caabbudo oo aanaan isaga ka ahayn, xaal uu yahay kali oo uusanna jirin wax cibaadada lala wadaajin karo. Oo Muxammedna SCW uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii SCW. Waxaanu ku raalli noqoneynaa waxuu la yimid, oo aanna ku kufrineynaa waxii uu diiday oo waanuna la jihaadeynaa.

Intaa kadib.

Allaah baa Muxammed SCW kala soo diray agtiisa xaq, oo una soo diray dhanka khalqigiisa si uu dadka ugu bishaareeyo (inta rumeyso) uguna digo (inta ku kufrida). Oo waxuu kaloo (Alle) usoo diray (Muxammed) inuu dadka ugu yeero xagga Alle iyo jidka iftiinka badan (ee xaqa ah iyo Islaamka), si uu ugu digo inta nool qowlkuna (yacni cigaaqbta Alle iyo cadaabta) uu ugu waajibo gaalada dushooda. Oo uuna Alle xaqa ku hanuuniyo cidda ajiibto, oo wuuna la dagaallamay Rasuulkii Alle SCW cid kastoo ka jeesatay xaqa jeer uu Islaamkii noqday mid ay tadawac kusoo galaan ama qasab. intaa dabadeedna Alle baa oofsaday Rasuulkiisii SCW, isagoo kasoo baxay xilkii Alle, gutayna wixii dushiisa ahaa. Taas iyada ahina (yacni geerida Muxammed SCW) Alle wuu u caddeyay oo sidoo kalena wuu u caddeeyay dadka Islaamka ah, waxuuna ugu caddeeyay kitaabkiisa Quraanka ah oo waxuu yiri:- Adigu waad dhiman doontaa (Muxammadoow SCW !) iyaguna way dhiman doonaan. ( Suuratu Zumar aayadda 30aa).

Wuxuu kaloo yiri:- Ma aanan yeelin bashar (yacni Aadami) adiga kaa horeeyay inuu waaro, ee ma marka aad adigu dhimato bay iyagu waari doonaan? ( Suuratu Ambiyaa aayadda 34aad).

Oo misna waxuu Mu’miniintii ku yiri:- Muxammed (SCW) ma uusan ahaan waxaan Rasuul ka ahayn, ay tegeen hortii Rusullo, ee ma marka uu dhinta ama la dilo baad u noqoneysaan ciribyadiini (gaallimadii hore) ? Kiinii kastoo dib ugu laabto ciribtiisii hore, Alle wax uu yeeli karaa ma jirto, oo Illaahayna wuu abaal marin doonaa kuwa ku shukriya. (Aali-Cimraan aayadda 144). Haddaba qofkii ay ka ahayd inuu caabbudo Muxammed, haddaba Muxammed SCW dhimay, qofkiise ay ka ahayd inuu caabbudo Allaah, Alle waa uu noolyahay oo dhiman mahayo, mana qabtaan lumo iyo hurdo toona, waana ilaaliyaa amarkiisa, kana cad goostaa cadawgiisa.

Haddaba anigu waxaan idiin dardaarmi cabsida Allaah iyo inaad ka qaadataan saamigiinnii iyo nasiibkii aad ku lahaydeen, iyo waxii uu idin la yimid Nebigiina SCW, iyo inaad weliba ku hanuun dalabtaan hanuunkiisii, oo waxaanna idiin dardaarmi inaad qabsataan oo aad u hoggaansantaan diinta Allaah SW, cidkastoona uu Alle hanuunin waa mid baadiyeysan, ruuxkastoona uu Alle u gargaarin waa mid dulleeysan, qof kastoona Alle sokodii ka raadiyo hanuun waa mid baadiyeysan, oo waxuu yiri Alle Sarreeye:- Oo Ruuxuu Alle hanuuniyo ayunbaa ah kan hanuunsan, cidduuse Alle lumiyo (yacni baadiyeeyo) u heli meysid qof u gargaaro oo hanuuniyo. (Suuratu Kahfi aayadda 17aad).

Waxaa isoo gaaray ka noqoshiinnii diinta ee qaar idinka mid ahi ay ka noqdeen, kadib markii aad islaannimada ku qanacdeen oo aadna ku kadsoonteen Rabbiggiin Allaah iyo idinkoo jaahil ka ahna aad fasheen falkaa ( ka noqoshada diinta Islaamka ) oo aadna ajiibteen Sheydaan. (Waxuuna qoray aayadda 50aad ee Suuratu Kahfi, oo misna qoray aayadda 6aad ee Suuratu Faadir).

Waxaan xaggiinnii usoo diray ciidan ka kooban Muhaajiriin iyo Ansaar iyo intii wanaagga ku raacday, waxaanna amray inaysan cidina ka aqbalin waxaan ka ahayn rumeynta Allaah, oo ayna qofna dilin jeer ay marka hore ugu yeeraan xagga Allaah Sharaf badne oo weyne. Haddii ay ajiibaan oo ay ku raalli noqdaan, oo ayna la yimaadaan camallo suuban waa uu ka guddoomi oo yacni ka yeeli oo wuuna ugu gargaari. Haddaysa diidaan wuu la dagaallami illaa uu ka fulo amarka Allaah. Cid kastoo uu awood uyeeshana inuu qabta ka fakan maayo, oo waxuu ku gubi dabka, oo layn yacni dili, oo waxuuna ka kaxaysan dumarka iyo hantidooda (carruurtooda iyo maalkuba), kana yeeli mahayo qofka waxaan ka ahayn Islaamka. Haddaba ciddii raacda, sidaa baa u wacan oo u kheyr badan, ciddiise iskaga tegto (oonan yeelin) Allaah caajis gelin mayso. Waxaan soo amray farriis sidahayga inuu ku dul akhriyo warqaddeydan jamac kastoo idinka mid ah.

Intaa waxay ahayd nas kamid ah warqaddii Abuu Bakar uu u diray dadkii diinta ka riddoobay , oo uu ku waaniyey xagga Allana ugu yeeray. Waxuuna warqaddaasi u dhiibay amiir kastoo kamid ah 11-kaas ciidan ee u baxayey la dagaallanka acdaada Allaah ee diinta ka riddoowday.

Abuu Bakar Siddiiq markuu ciidan diri waxuu amri jiray inaysan qayaano samayn oo aysan wax kala qarsan yacni markay qaniimooyinka helaan, oo aysanna ballanku jebin, aysanna doorin qofka markay dilaan kadib, oo aysanna dilin ilmaha yar yari, oo aanna la dilin oday waayeel ah hadduusan dagaallameyn, oo aanna geedda timirtana la jarin yacni geedaha iyo dhirtana yaan la jarin, oona la gubin, oo xoolahuna (macno darro) la gowracina mid ay u baahdaan inay quutaan mooyaan, oo ay udhawaanina yacni dilin kuwa qalwadahooda iyo kaanisadahooda Alle ku caabbudi.

Ciidamadii Khaalid oo Dhaqaaqay & Abuu Bakar oo Sagootinaya

Seydkii sanaadiidda, hoggaamiyihii geesiyaasha halyeeygii weynaa ee kamidka ahaa sanaadiiddii Muslimiinta Abuu Suleymaan Khaalid bin Al Waliid isaga iyo ciidankiisu markii ay dhaqaaqayeen oo uu Abuu Bakarna sogootinayey ayuu Abuu Bakar yiri:- Waxaan maqlay Rasuulkii Alle SCW oo leh:- Addoon iyo walaal tolnimo waxaa ugu wanaag badan Khaalid bin Al Waliid seef kamid ah seefaha Illaah ee uu ku salladay gaalada iyo Munaafiqiinta. Haddaba markii uu Abuu Bakar u dhiibay calankii Khaalid ayuu amray inuu ku baxa marka hore dhanka Khaybar si ay reer miyiga ugu maleeyaan inuu jiha kala usocda. Tanna waxay ahayd xeelad uu Abuu Bakar horey uga bartay saaxiibkiis Nebi Muxammed SCW. Intaa kadibna waxuu amray inuu marka hore aado dhanka banii Asad iyo Dhuleyxa bin Khuweylid, kadibna uu usii gudbo banii Tamiim. Dhuleyxah bin Khuweylidna waxuu ahaa markaa ugaaskii banii Asad, waxaa kaloona soo raacay banii Qadfaan oo ku biiray Dhuleyxah, waxaa kaloona kuso biiray banii Cabas iyo Dubyaan, banii Bujeylana waxay usoo direen ciidan si ay u caawiyaan Dhuleyxah, sidaa si lamid ahna banii Ghowth iyo banii Dhayi baa iyaguna u diray gurmad dhankii Dhuleyxa, markaasuu helay ciidan culus.

Markaa ka hor intuusan Abuu Bakar dirin Khaalid ayuu banii Dhayi u diray Cadiyi bin Xaatim Ad Dhaa’yi si uu tolkiisa ugu tego oo ka hor istaago inaysan Dhuleyxah haleelin oo markaa uusan ku dhicin jab in la halligo oo Muslimiintu laayaan. Markaa buuna Caddiyi u tegay tolkiisii oo amray in la baayacoodaan Abuu Bakar Siddiiq, iyagiina waa ay ka diideen oo ay yiraahdeen:- Lama baayactameyno Abul Fadal. Oo ay ula jeedaan Abuu Bakar. Markaasuu Caddiyi ku yiri:- Illaah baan ku dhaartaye waxuu idinla iman doonaa ciidan aanan ka suuleyn inay idinla dagaallamaan jeer aad ka ogaataan inuu isagu (Abuu Bakar) yahay Abul Fixil Al Akbar yacni dabqaadka ugu weyn. Sidaa buu Caddiyi ugu yeeri jiray xagga Alle iyo inay la baayactamaan Khaliifkii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq jeer uu markii dambe soo dul dagay Khaalid bin Waliid oo ciidamadiisii hore ay ahaayeen halyeeyadii Ansaarta uuna hoggaaminayey Thaabit bin Qeys bin Shammaas Al Ansaari- afhayeenkii Rasuulka Alle SCW. Horey waxuu Khaalid u diray dhanka Dhuleyxah labo saxaabi oo kala ahaa Thaabit bin Aqram iyo Cukaasha bin Muxsin si bal ay Dhuleyxah ugu yeeraan xagga Allaah, iyagoo farriin sidayaal ah bayna u tegeen. Markiina ay u tegeen baa la dilay labadii saxaabi oo waxaa dilay Dhuleyxa iyo walaalkiis Salama bin Khuweylid.

Dagaalkii Buzaakhah

Markii ay ciidamadii Khaalid bin Waliid soo gaareen goobtii lagu dilay labadii saxaabi ee ergada ahaa oo waliba meydkoodii la warey ayay Muslimiintii arrintaa aad uga murugoodeen oo quluubtoodii baddashay. Markaa buu Khaalid u weecday dhankii banii Dhayi. Dabeetana waxaa kusoo baxay Caddiyi bin Xaatim oo horey Abuu Bakar ugu diray tolkiisa si uu uga hor istaago inay ku biiraan ciidanka Dhuleyxah, waxuuna Caddiyi yiri:- Khaalidoow!! ii kaadi illaa inta ay ugu cid dirsanayaan kuwoodii ka deg degay ee ku biiray Dhuleyxah si ay uga soo ceshtaan. Oo iyagu waxay ka yaabayaan haddii ay adiga ku raacaan (kuwan) inuu Dhuleyxa laayo kuwa la jooga ee u tegay, haddaba sidaa baan ka jeclahay inay ku deg degaan caddaabte. Markaa buu Khaalidna ka yeelay, oo markii ay muddadii saddexda casho dhammatayna baa waxuu Caddiyi la yimid 500 dagaalyahan ah oo tolkiisa kamid ah, kuwaasoo ah kuwii xaqa usoo laabtay, waxayna kusoo biireen ciidankii Khaalid bin Waliid.

Kadib Khaalid waxuu u weecday dhankii banii Judeylah, markaasuu Caddiyi yiri:- Khaalidoow! ii qabo maalmo, si aan ugu tego, waxay udhawdahay inuu Alle ka nabad geliyo naarta siduu banii Dhayi horey uga nabad geliyaye. Markaa buu Khaalidna ka yeelay. Markaasuu Caddiyina u tegay banii Judeyla oo xagga Alle ugu yeeray, jeer ay markii dambe soo raaceen, waxuuna ula yimid Khaalid isagoo ay la socdaan 1000 rakuubley ah oo kamid ah kuwii xaqa usoo laabtay oo Muslimay, sidii banii Dhayi oo kale bayna ku biireen ciidankii Khaalid. Sidaa darteed waxaa la yiraahdaa Caddiyi waxuu ahaa ninka ugu kheyr badnaa tolkiisa uguna baraka badnaa Illaahay haka raalli noqdee.

Dabeeto Khaalid wuu dhaqaaqay oo waxuu dhex degay buuraha Ajaa iyo Salmaa (Jibaal banii Dhayi) halkaasoo uu ciidankiisii ku dhisay.Kadibna waxay ku kulmeen isaga iyo Dhuleyxa goob la yiraahdo Buzaakha, qaar badan oo Carabta kamid ahna dib bay uga hakadeen oo waxay is yiraahdeen:- Bal isku eega labadan kooxood si aad u ogaadaan cidda adkaato oo guusha yeelato. Dhuleyxah markaa waxuu la yimid qoomkiisii iyo intii soo raacday oo kuwii xaqa ka indhaha la’aa kamid ah. Waxaana la socoday Cuyeynah bin Xisin oo 700 tolkiisa banii Fazaarah hoggaaminayey. Dhuleyxana waxuu maalintaa u xilsaaray ciidankiisa Cuyeynah si uu u dagaal geliyo, isaguna waxuu lahaa waxyi baa igu soo degi oo intuu go’ huwday buu meel fadhiistay. Saa mar waliba waxaa u imanayey Cuyeynah oo ku oranayey :- Ma kuu yimid Jabriil? Asaguna waxuu lahaa:- May. Markaa buu Cuyeynana ku noqonayey ciidanka oo uu dagaalka meeshiisii kasii waday. Sidaa buuna ugu soo noqnoqonayey jeer uu markii dambe Dhuleyxah yiri:- Haah! wuu ii yimid Jibriil. Markaa buu Cuyeynana su’aalay:- Oo maxuu ku yiri? Markaasuu Dhuleyxah tilmaamay inuu Jibriil u waxyooday inay jiri jireen qoomam hore, oo waxuuna yiri:- Waxuu igu yiri Jibriil:- Waxaa kuu ahaan doonto dhacdo aadan illaawi doonin. Markaa buu Cuyeyna yiri:- Waxaan fili inuu Alle ogaaday inay kuu ahaan doonto dhacdo aadan illaawi doonin. Dabteena intuu ciidankii u jeestay buu cod dheer ku qayliyey isagoo la hadlayo tolkiisa banii Fazaarah, oo waxuuna yiri:- Banii Fazaarooy!! inaga kaxeeyo. Markaa bay jabeen ciidankiina jabay oo Dhuleyxana inta faras u diyaar ahaa uu korey buu haweeneydiisii Nawaar-na uu awr diyaar u ahaa saartay buu dhankii Shaam u cararay. Ciidamadiisii way kala firxadeen, in badan oo kamid ahna waala laayey, qaar kalena waala qab qabtay. Markii ay dhaceen wixii dhacay oo helay Dhuleyxah iyo banii Fazaarah bay yiraahdeen banii Caamir iyo banii Saliim iyo Hawzaan:- Waxaanu geleynaa wixii (Islaamkii) aanu horey uga baxnay, oo aan rumeyneynaa Allaah iyo Rasuulkiisa SCW oo waxaanna isku dhiibeynaa xukunkiisa (Allaah) maalkayaga iyo naftayaduba. Dhuleyxah isagu waxuu ku degay banii Kalbi oo uu ku sugnaa deegaankooda illaa uu markii dambe xaqii usoo laabtay oo uu Makka cumro u tegay nolashii Abuu Bakar Siddiiq, kadibna waxuu ku biiray ciidankii Khaalid bin Waliid, oo wuu ka xishooday inuu Khaliifkii Rasuulka SCW hortiisa tego. Dhanka kale Abuu Bakar Siddiiq baa waxuu soo amray Khaalid inuu Dhuleyxah kala tashada arrimaha dagaalka hase ahaatee uusan masuuliyad u dhiiban. Tanina waxay ahayd mid kamid ah xikmaddii Abuu Bakar Siddiiq. Intaa kadibna Dhuleyxah waxuu ka qeyb qaatay dhul furashooyinkii dambe, oo uu raad weyn ku lahaa, sida Qaadisiyah iyo Nahaawunda, kaasoo uu ku shahiiday.

Ammaa Cuyeynah bin Xisin isagu waa lasoo qabtay qafaal ahaan waxaana la geeyay magaaladii Madiina oo Abuu Bakar baa loo geeyay isagoo labadiisa gacmood qoorta loogu xiray. Markiina magaaladii la geeyay isagoo sidaa u xiran, bay carruurtii Madiina guda galeen inay faraha ku dur duraan oo ay yiraahdaan:- Cadawgii Alloow! ma waxaad ka laabateen diintii islaamka? Markaa buu isagiina kujawaabayey :- Illaah baan ku dhaartaye horeyba maanan u rumeyn. Intaa kadib waxuu usoo laabtay Islaamka, Abuu Bakarna wuu ku manna sheegtay oo iska cafiyey. Sidaa si lamid ahna waxuu kumanna sheegtay Qurrah bin Hubeyrah oo ah mid kamid ah madaxdii ciidankii Dhuleyxah oo Cuyeynah horey loola soo qafaashay.

Khaalid bin Al Waliid baa qaar kamid ah asxaabtii Dhuleyxah weydiiyey wixii uu ku oran jiray waala ii waxyooday, markaa bay ka dalbadeen inuu saamaxo oo iska cafiyo hadday usheegaan yacnii oo uusan ku caroon, markaa buu ka yeelay oo ay iyana u sheegeen beentii iyo khuraafaadkii uu akhrin jiray, waxaa kalooyna u sheegeen bishaarooyin uu Dhuleyxa oran jiray:- Waxay boqortooyadeennu gaari doontaa Ciraaq iyo Shaam.

Kadib waxaa yimid wafdigii Qadfaan iyo Banii Asad oo ka dalbay Abuu Bakar cafis iyo iyagoo caddeyn inay xaqii usoo laabteen.

Dhacdo Kale

Dabeeto, intii carartay oo kamidka ahaa ciidankii Dhuleyxah baa inta is aruursaday waxay madax kadhigteen haweeney la oran jiray Ummu Zimmal Salmaa bint Maalik bin Xudeyfah. Waxay haweeneydaan ahayd mid kamid ah dumarkii Seydaaddii Carabta sidii hooyadeed Ummu Qirfah oo kale. Hooyadeed waxaa loosoo qaadan jiray tusaale sharafteedii darteed, taasooy ugu wacneyd wiilasheedii oo badnaa darteed. (Waxay wiilasheedu kala ahaayeen : Qirfah, Xakam, Jurraash, Zimmal, Xuseyn, Shariik, Cabdu, Zufar, Mucaawiyah, Xamal, Qeys iyo Lu’ayi) waxaana lagu sharfi jiray cisadii ay tolkeeda ku dhex laheed. Gabadhan Ummu Zimal waxay markaasi fuushay awr ay laheed hooyadeed oo Carabtu dhexdeeda ay is oran jireen:- Qofkii awrkeeda taabto waxuu heli doonaa 100 geel ah. Waa heerkii ay gaarsiisaneed darteed sharaftii ay Carab dhexdeeda ku lahayd. Waxay haweeneydan dadkii amartay oo ay ku boorisay la dagaalanka Khaalid bin Waliid, markaa baa waxaa kusoo biiray qolooyin ay kamid ahaayeen banii Saliim, Hawzaan iyo kuwa kale. Waxayna noqdeen ciidankeedii ciidan culus. Hase ahaatee Khaalid baa markuu maqlay si deg deg ah uga hortegay oo awrkeedii boqna gooyay, iyadiina dilay khalqi badanna ka laayey, kadibna guushii iyo khumuskii qaniimada (shan meeloodoo meel, 1/5) ayuu dhankii Abuu Bakar u diray.

Qisadii Al Fujaa’ah

Al Fujaa’ah magaciisa saxda ah waxaa la oran jiray Anas ama Iyaas bin Cabdillaahi bin Cabdiyaaliil bin Cumeyrah bin Khafaaf oo waxuu ka dhashay qolooyinka banii Saliim. Abuu Bakar Siddiiq baa ku gubay goobta Baqiic ee magaalada Madiina. Sababtuna waxay ahayd, ninkan intuu u yimid Siddiiq buu usheegay inuu Islaamay, waxuuna ka dalbaday in ciidan lagu daro, si uu ula dagaallamo dadkii riddoobay, markaa buu Abuu Bakarna ku daray ciidan. Markii uu ciidankii la dhaqaaqay buu cid waliba oo uu sii maraaba diley oo uma kala soocin ma Muslim baa mise gaal? Hantidoodana wuu ka dhacay , dhulkii buuna fasahaadiyey. Markii uu Siddiiq maqlay arrintaa ayuu amray in lasoo qabta ninkaas. Markii la keenayna waxuu amray in la geeyo goobta Baqiic oo la gubo, abaal marinta wixii uu falay darteed. Sidii baana la yeelay.

Qisadii Sujaax & Banii Tamiim

Banii Tamiim iyagu waxay isku khilaafeen amarradoodii markii ay dadkii riddoobeen, waxaana ay kala noqdeen, kuwa riddoobay oo diintii ka baxay, kuwa xaqii ku sugnaaday oo zakadii soo dhiibay iyo kuwa iyagu ka gaabsaday oo goostay marka hore inay ogaadaan halka uu xaalku ku dhibci doona. Iyagoo xaaladdaa ku sugan ayaa waxaa u timid haweeney la oran jiray Sujaax bint Al Xaarith bin Suweyd bin Caqfaan At Taqlabiyah. Waxay haweeneydaani ka timid dhanka jaziiradda oo waxayna ahayd mid kamid ah Carabtii Nasaarada ee jasiiradda.

Waxay Shujaax sheegatay Nebinnimo, waxaana la socday ciidan culus oo tolkeeda kamid ah iyo kuwii dhexda kasoo raacay, waxayna goosteen oo qorshahoodu ahaa inay ku duulaan Siddiiq iyo caasumaddii Islaamka ee Madiina. Markanna waxay ahayd xilli ay badatay sheegashada Nebinnimada. Markiina ay Sujaax iyo ciidamadeedii soo gaarteen deegaankii banii Tamiim ayay arrinteedii usoo bandhigay inay ajiibaan dadkii halkaa deganaa (Banii Tamiim) oo rumeeyaan oo ay raacaan, markaa baa waxaa raacay qaar kamid ah saadaaddii banii Tamiim, kuwaasoo ay kamid ahaayeen Maalik bin Nuweyrah iyo Cudhaarid bin Xaajib iyo kuwa kale, kuwa kaloo badanna way diideen. Kadib waxaa la go’aansaday in lawada dagaal galo. Hase ahaate dood iyo su’aal waxay ka istaagtay halkii howl laga billaabi lahaa, waxay markaa Sujaax soo jeedisay in lagu duulo Yamaama oo ay markaana Museylama dhankiisiina u qasadday.

Dadkeedii baa markaa ku yiri:- Ninkan (Museylama) arrinkiisu waa mid weyn oo aan la loodin karin. Hase ahaatee Sujaax waxay tilmaantay in Yamaama lagu duullo dagaal adagba ha noqotee, kadibna waxay tiri:- Wax dhib ah ma arkeysaan Yamaama kadib.

Kadib waxay u guureen dhankii Museylamah si ay ula dagaallamaan, oo markii uu Museylamana maqlay haweeneydaan iyo ciidankeeda kusoo fool leh buu aad uga naxay in dhulka Yamaama uu farahiisu ka baxo, sababtuna waxay ahayd dhanka kale ayaa waxaa dagaal kula jiray Thumaama bin Uthaal oo qaar kamid ah banii Xaniifa iyo ciidama kaloo Muslimiin ahna watey, dhanka kalena waxaa kor dagnaa Cikrimah bin Abuu Jahal oo horey dhankiisa loo diray oo Thumaama caawinayey iyo Shuraxbiil oo isaguna laga daba diray oo daba joogay Cikramah, hase ahaatee wax dagaal weyn ah ma uusan dhex marin weli ciidamadii Cikrimah iyo Museylamah, marka laga reebo inuu Cikramah deg degay dabeetana dib loosoo celiyey. Markaasina waxay sugayeen in uu soo gaaro ciidankii Khaalid ee Dhuleyxah iyo ciidamadiisii Buzaakha ku soo cunay.

Waayo ninkan Museylama waxuu ahaa nin ciidan badan haystay oo waxuu ahaa kii ugu sharta badnaa, waxaana lasheegaa in cadadka ciidankiisu uu dhamaa 40 000 (afartan kun) oo dagaalyahanno ah.

Isagoo Museylama arrimahaa la fajacsan siduu ku maareyn lahaa oo uu ku wajihi lahaa bay xaaladdii ku noqotay kadaroo dibi dhal. Waa tanna ay Sujaax oo hoggaamineyso qaar kamid ah tolkeeda banii Taqlab iyo intii soo raacda oo ay ku jiraan qaar kamid ah banii Tamiim ay soo dul degeen dooxada Yamaama, si ay Museylama faraha isu saaraan.

Kadib Museylamah waxuu u cid diray Sujaax si uu u la heshiiyo. dabeetana isagii baa aaday si uu ula soo naqaasho waxuuna kaxaystay 40 tolkiisa kamid ah. Markii uu u tegay oo ay labadoodii isku soo hareen buuna u bandhigay wax soo saarka dhulkiisa inuu bar kamid ah siin doona, kaasoo sida uu sheegay uu horey usiin jiray Qureesh (waxuu ula jeeda zakadii ay iska aruurin jireen waqtigii Islaamka) waxuuna ka dalbaday inay ka laabato, iyadiina waa ay ka aqbashay.

Kadib waxuu weydiiyey :- Maxaa laguu waxyooday?

Waxay tiri:- Ma tahay inay dumarku hor billaabaan, bal’ee horta adigu maxaa laguu waxyooday?

Kadib waxuu akhriyey khuraafaadkiisii oo ay iyadiina ku tiri:- Waxaan markhaati ka ahay in aad adigu Nebi tahay.

Kadib waxuu ku yiri:- Ma dooneysaa inaan ku guursado, oo qoomkeyga iyo qoomkaadu ay Carab oo idil cunaan (yacni ka adkaadaan)?

Waxay tiri:- Haah!.

Kadibna waxay la joogtay muddo 3 casho ah, waxayna ku laabatay qoomkeedii iyo deegaankeedii ay ka timid. Kadib markay usheegtay in la guursaday ayay ku yiraahdeen:- Oo maxaa meher ahaan laguu siiyey ?

Saa waxay tiri:- La ima siin wax meher ah

Waxay ku yiraahdeen:- Waa arrin ku fool xun mid adiga kula mid ah in lagu guursado meher la’aan. Kadib bay Museylama u soo cid dirtay si ay u weydiiso wixii uu meher ahaan ugu tala galay.

Markaasuu Museylamana ku yiri:- Waxaad ii soo dirtaa mu’addinkaada. Saa waxay u dirtay mu’addinkeedii oo la oran jiray Shabbath bin Ribciy.

Markii uu Shabbath u tegay ayuu Museylama yiri:- Waxaad ka dhex naadisaa qowmkaada Museylamah bin Xabiib Rasuulkii Alle inuu ka cafiyey dushooda labo salaadood oo kamid ah kuwii uu Muxammed (SCW) ula yimid. Waxuuna ula jeedaa labada salaadood ee kala ah Fajarka iyo Cishaaha dambe. Waxuuna yiri:- Waa kuwan (labada salaadood) ayaa meherkeeda. Lacnaddii Alle dushiisa ha ahaato’e.

Labadan salaadood xaqiiqdii waa labada salaadood ee ugu adkaanta badan Munaafiqiinta oo maba tukadaan, sida kusugan xadiis Nebiga SCW laga soo weriyey.

Sujaax waxay kulaabatay tolkeedii, markaana waxay ahayd markii ay maqashay soo galootiga Seeftii Alle- Khaalid bin Waliid uu soo galay qaybo kamid ah dhulkii Yamaamah.

Dilkii Maalik Bin Nuweyrah Al Tamiimi

Ninka kan- Maalk bin Nuweyrah waxuu kamid ahaa madaxdii banii Tamiim gaar ahaan jilibka uu ka dhashay ee reerYarbuuc. Jilibkaasi oo kamid ahaa banii Tamiim ayuuna ka dhashay, wuxuuna ahaa Zaciim banii Tamiim (duqii reer banii Tamiiim). Waa ninkii horey u rumeeyay Sujaax bint Xaarith soona raacay, isagoo tolkiisii banii Yarbuucna amray inay raacaan una gar gaaraan haweeneydan Nebinnimada sheegatay. Haddaba markay Sujaax maqashay soo galootiga Khaalid oo ay dhulkeedii ku laabatay, baa arrintaa waxay dhibtay Maalik bin Nuweyrah oo aad uga shallaayey falkii uu sameeyay. Waxaa deegaan u ahaa goob Al Badhaax, oo uu deganaa. Markaa buu Khaalid dhankiisii aaday. hase ahaatee Ansaartii baa ka gaabsatay inay raacaan, waxayna yiraahdeen:- Annagu gudannay wixii Siddiiq uu na soo amray. Khaalidse waxuu u caddeeyey inaysan jirin warqad uga timid dhanka Khaaliifada Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq, arrintana ay tahay fursad qaali ah oo lagama maarmaan ah in la fuliyo, waxuuna xasuusiyey inuu isagu yahay amiirka ciidankan oo uu arrintaa goostay inuu Al Badhaax ku duulo, waxuuna u caddeeyay inuusan cidina ku qasbahayn inay raacdo.

Kadib Khaalid waxuu u jiheystay dhankii Al Badhaax isaga iyo ciidankiisii, markii uuna laba maalin socday ayaa waxaa ka daba yimid, ergay kasocday dhankii Ansaarta oo dalbanaya in loo suga Ansaarta oo kusoo daba jirta, si ay ugu biiraan ciidanka. Markiina ay Ansaartii yimideen, baa la is wada raacay oo Khaalidna markuu Al Badhaax gaaray ayuu diray wardoonno iyo sirriyaad, waxuuna amray marka hore in xaqa loogu yeero reer Baddaax. Waxaa markaasi rumeeyay in badan oo kamid ah banii Tamiim, kuna qaabilay maqal iyo adeecid, hase ahaatee Maalik bin Nuweyrah isagu wuu diiday waxaan ahayn inuu falkiisa ku sugnaado

Kadib Maalik waala soo qabtay oo loo keenay Khaalid, dabeetana isaga iyo Khaalid baa muddo wada hadlay oo hadalla qallafsan dhex mareen. Dabeeta wuxuu Khaalid amray Diraar bin Al Azwar inuu kurka ka jaro, oo markaa kurka u dheereeyay. Kadib Khaalid waxuu guursaday haweeneydii Maalik bin Nuweyrah oo la oran jiray Ummu Tamiim bint Al Manhaal. Waxay ahayd mid aad u qurux badan, markii ay daahir noqotay buuna la aqal galay.

Abuu Qataadah Al Ansaari ayaa markaa Khaalid kala hadlay dilkii Maalik bin Nuweyrah, dabeetana arrin baa dhex martay, markaasuu Abuu Qataadah aaday Madiina oo Abuu Bakar arrintii uga warramay, Cumarna waxuu ku lahaa Abuu Bakar:- Casil Khaalid waayo waa seef deg deg badane? Abuu Bakarna waxuu lahaa:- Celin mahayo seef uu Alle ku diray Kufaarta. Abuu Qataadah waxuu ka marag kacay inuu Maalik bin Nuweyrah xaqa usoo laabtay oo Khaalid uu dilay isaguu Muslim ah. Kadib waxaa yimid Mutammim bin Nuweyrah oo la dhashay Maalik bin Nuweyrah, kaasoo Abuu Bakar uga eed sheeganayey dilkii walaalkiis Maalik uu Khaalid dilay isagoona markaa ka marag kacay inuu walaalkii soo noqday oo uu Khaalid dilay isagoo Muslim ah. Cumar bin Khaddaab baana ku caawinayey siduu Abuu Bakar ugu gargaari lahaa Mutimmim oo uu Khaalid uga cad goyn lahaa. Goor ay doodi taal, Abuu Qataada iyo Cumarna ay hal dhinac isla yahiin, oo eeddu la saaraya Khaalid, ayuu Abuu Bakar amray inuu Khaalid yimaado magaalada Madiina.

Khaalid bin Waliid wuxuu yimid magaaladii Madiina isagoo lebbisan cambuur bireedkiisa. Dabeeta waxuu yimid masjidkii oo markii uu albaabka masjidka galay baa waxaa usoo istaagay Cumar bin Khadaab oo inta cimaamaddii ka dhusaday ku yiri:- Ma waxaad dishay naf, dabeetana aad xaaskiisa guursatay? Cumar isagoo careysan ayaa wuxuu Khaalid ugu gooddiyey inuu rajmin doona, Khaalidna intaa ma uusan hadleyn oo wuu aamusnaa, isagoo maleysanaya in Abuu Bakar-na uu qabo ra’yiga Cumar mid lamid ah. Markaas baa waxaa soo galay Abuu Bakar, dabeetana Khaalid baa u cududaartay, isagiina wuu ka aqbalay. Waxuuna markaasi Abuu Bakar guday diyadii Maalik ibnu Nuweyrah. Dabeeta Khaalid wuu ka dhaqaqay Abuu Bakar agtiisa asagoo dib ugu laabtay furuntiisii.

Abuu Bakar Siddiiq ma uusan casilin Khaalid oo waxuu u daayey imaaradiisii, waayo Khaalid waa nin la yaqaan, oo halyeey loo muhdo ah, geesi aan goroda laalaadin, kana mid ah mashaahiirtii fara kutiriska ahayd. Mana jirin markaasi abbaanduule kaga qibrad badan arrimaha dagaalka. Haddii uu ku qaldamay dilkii Maalik bin Nuweyrah, sidaa si lamid ah horey ayuu ugu qaldamay banii Judeymah oo uu dad badan oo qafaal ah ka laayey, kadib markay yiraahdeen:- Saba’naa oo la macno ah, waxaan ka baxnay diintayadii hore oo aan galnay diin cusub. Halkii laga rabay inay yiraahdaan:- Aslamnaa -macnaha waynu islaamnay. Ma aysan haggaajin inay yiraahdaan:- Aslamna. Markaasuu Khaalid u maleeyay inaysan Islaamin oo laayey qafaalkooda in badan oo kamid ahaa. Sidaa oo ay tahay Rasuulka SCW ma uusan casilin Khaalid oo booskiisii ayuu u daayey. Sidaa darteed buuna Abuu Bakar u daayey Khaalid xukunkiisii, asagoo ku dayanaya Xabiibkeennii Muxammed SCW.

Dhacdadii Yamaamah & Dilkii Musaylamah

Markii uu Abuu Bakar Siddiiq ka raalli noqday Khaalid oo uuna u cududdaaray, ayuu amray inuu ku dhaqaaqo dhanka banii Xaniifah oo iyagu ku sugnaa goobta Yamaamah. Markaasuu Khaalid la dhaqaaqay ciidankiisii, iyadoo ciidamada Ansaartuna uu hoggaamin Thaabit bin Qeys bin Shammaas. Qola kastoo kamid ah dadkii riddoobayna way sii xaaqeen oo waxay is heleen qaar kamid ah kuwii fardooleydii Sujaax oo iyaguna ay dhaxda ku cuneen (dhaxda ayay ku laayeen oo looga adkaaday murtaddiintii).

Hortii Khaalid intaan loo dirin Museylamah, wuxuu Abuu Bakar dhanka Yamaama u diray Cikrimah bin Abii Jahal sidaynu soo xusnayba, oo uu ka daba diray Shuraaxbiil ibnu Xasanah, waxaase ciidamadii Cikrimah dib usoo celiyey Museylamah, waxayna degeen goob u dhaw Yamaamah oo ay sugayeen soo galootiga ciidanka Khaalid bin Waliid. Markiina uu yimid Khaalid, warkaana uu gaaray Museylamah oo uu hubiyey inuu sakuuro (mid la hubo) yahay, ayuu ciidamadiisii ku dhisay goob la yiraahdo Caqraba oo kamid ah dhulka Yamaamah, taasoo ah baaddiyahii Yamaamana. Waxuuna guubaabiyey ciidankiisii oo, amray inay qiiroodaan, oo maxastooda iyo dhulkooda u dagaallamaan, oo sharafta dumarkooda dhowrtaan, waxuuna ku yiri:- Haddii maanta la idinka adkaado, waxaa la qafaalan dumarkiinii, oo la guursan iyagoo addooma ah, ee u dagaallama sharafta dumarkiinna. Waxuuna labada dhinac masuul uga kala dhigay Al Maxkam bin Dhufeyl iyo Nahaarul Rajjaal (ama Nahaarul Raxaal) bin Canfo’ah bin Nahshal.

Ninka kan ee Rajjaal bin Cunfo’ah, waxuu ahaa Museylama saaxiibkiis oo waxuuba uga marag kacay inuu yahay Rasuul, waxuuna yiri:- Waxaan Rasuulka SCW ka maqlay isagoo leh:- Waxaa amarka (Nebinnimada) ila wadaaga Museylamah bin Xabiib. Lacnaddii Alle dushiisa ha ahaata Nahaar Ar Rajaal bin Cunfo’ah.

Tani waxay ahayd fidno ka weyn tii Museylamah, oo waaba sababtii ay dadkii reer Yamaama ku fidnoobeen badankooda. Waayo ninkan waxuu u soo wafdiyey Rasuulka SCW, oo inta Al Baqra ka dhageystay ku noqday tolkiisii reer Yamaamah. Kadib waxuu yimid waqtigii riddada, oo markaa Abuu Bakar u direy qowmkiisa banii Xaniifah si uu zakada uga soo aruuriyo. Hase ahaatee markii uu u tegay ayuu garab fadhiistay jaallahiisii Museylamah oo weliba uga marag kacay inuu Nebi yahay, oo uuna Rasuulka SCW ka maqlay sidaa isagoo leh:- Waxaa arrinka (Nebinnimada) ila wadaaga Museylamah bin Xabiib.

Bisad yaroowga aabaheed (Abuu Hureyrah) baa waxuu yiri:- Maalin baa waxaan ag joogay Nebiga SCW iyo koox Muslimiin ah, oo uu inagu jiray Rajaal bin Cunfu’ah. Saa Rasuulka SCW baa waxuu yiri:- Waxaa idinku jira nin uu iliggiisu naarta dhexdeeda uu ka weynyahay buurta Uxud

Waxuu yiri Abuu Hureyrah:- Dadkii dhami (xayntii meesha joogtay maalintaa) way wada dhinteen (yacni khaatuma suubban ayay ku dhinteen, shahiid, jihaad iwm ), aniga iyo Ar Rajaal bin Cunfo’ah mooyaan, waxaana iskaga cabsan jiray sifadaa uu Rasuulka SCW sheegay, jeer uu markii dambe Nahaar Ar Rajaal uu Museylama raacay, uguna marag kacay Nebinnimo. Oo fidnadiisii ayaaba waxay noqotay mid ka weyn tii Museylamah.

Waxaa cad dadka cilmiga lagu tuhmo, oo culimada ah, markii ay fidnoobaan in lagu fidnooba. Sidaa darteed bayna reer Yamaama ugu fidnoobeen Rajaal, maadama uu ahaa nin Rasuulkii Alle SCW wax kasoo dhageystay, kana bartay Al Baqrah baa waxay u qaateen kuwa badan oo kamid ah juhaladii reer Yamaamah inuu run sheegi, halka kuwa kalena ay ogaayeen beentaas cad, balse ay ka awoodbadisay qabiil iyo tol jecleysi. Waxayna intooda badani u raaceen ficilladii qabyaaladda ee ma aysan u raacin rumeeyn ay rumeynayaan. Maxaa yeelay waxaa cad in qaar ka mid ah kuwaas ay oran jireen:- Waxaan qiraynaa in Musaylamah uu beenaale yahay, Muxammad-na (SCW) uu runsheeg yahay, balse beenlowga Musaylama ayaanu ka jecelnahay runlowgaa Muxammad (SCW).

Intaa dabadeed Khaalid wuu soo dhawaaday, waxuuna ciidankiisii hore madax uga dhigay Shuraaxbiil bin Xasanah, labada dhinacna waxuu u kala dhiibay Zeyd bin Khaddaab iyo Abuu Xudeyfah bin Cutbah. Ciidankii hore ee Shuraaxbiil baa goor habeennimo ah waxay soo qabteen 40 ama 60 kamid ah fardoolleydii reer banii Xaniifah, oo uu hoggaaminayey Mujaacah bin Muraarah. Waxay ciidamadaasi markaasi ka soo laabteen dakano ay kasoo gudanayeen reer banii Tamiim iyo Caamir, oo waxayna markaa doonayeen inay ku laabtaan ciidankoodii Yamaamah. Hase ahaatee ciidankii Shuraaxbiil ee hore ayaa soo qabtay oo u keenay Khaalid. Markii loo keenay koodii ugu dabeeyay buuna Khaalid su’aalo weydiiyey. Markaasay iyagiina u cududaarteen, oo xaqiiqdiina way ka qariyeen oo marsiiso iyo hadallo raqiis ah oo aanan Khaalid qancinin ayay ku hadleen. Markaas buu Khaalid amaray in kurka laga wada jaro. Waxaa kaloo la sheegaa in uu Khaalid su’aalay markii loo keenay oo uu ku yiri:- Oo maxaad leedahiin banii Xaniifaay!? Markaasay yiraahdeen:- Innagu Nebi baynu leennahay idinkuna Nebi. Markaasuu Khaalid laayey. Kadib waxaa qayliyey nin iyagii kamid ah oo la oran jiray Saariyah. Waxuuna yiri:- Ninyahoow! haddii aad tahay mid berritoole kuwan la doonaya kheyr ama shar, reebo ninkan- waxuu ula jeedaa Mujaacah bin Muraarah. Markaasuu Khaalidna reebtay oo uu ku xiray teendhadiisii dhexdeeda oo ay joogtay afadiisii Ummu Tamiim bint Manhaal. Waxuuna amray inay wanaajiso oo ayna kheyr u dardaaranto.

Markay labadii ciidan isasoo hor fadhiisteen buu Museylamatul Kaddaab ku booriyey ciidankiisa inay sharafta dumarkooda u dagaalan, oo ay qiiroodaan sidii aynu horeyba usoo xusnay. Muslimiintiina horey bay usocdeen oo markii dambe waxay dageen goobtii ay biyaha ka cabbi jireen reer Yamaama meel udhaw. Halkaa ayuuna ciidankiisii dejiyey oo dhisay isagoo calankii Muhaajiriinta udhiibay Saalim Mowlaa Abaa Xudeyfah, calankii Ansaartuna Thaabit bin Qeys bin Shammaas, halka uu calankii Carabta kalana u dhiibay Mujaacah bin Muraarah oo kheymaddii ku dhex jira ( teendhada ku jira ) xeelad dagaal darteed.

Waxaa billaawday dagaalkii oo , goor cabbaar ah markuu socday ayay qaar kamid ah ciidamadii Muslimiinta ee reer miyiga ay goobtoodii banneeyeen, taasina waxay sababtay inay banii Xaniifah galaan teendhadii ay ku jirteen Khaalid xaaskiisa iyo Mujaacah bin Muraarah. Waxayna damceen inay dilaan xaaska Khaalid, hase ahaatee waxaa magan geliyey Mujaacah bin Muraarah.

Dabeeta waxaa soo guddoomay kuwii simbiriraaxday oo is gartay inay khaldameen, umana aysan suuro gelinin inay banii Xaniifah furtaan Mujaacah bin Muraarah. Dhaqdhaqaaqan hore ayaana lagu dilay Nahaar Ar Rajaal bin Cunfu’ah, waxaana dilay Zeyd bin Khaddaab.

Saxaabada iyo Muslimiinta kalaba maalintaa waxay dirireen dirir aad u daran, waxuuna Thaabit bin Qeys yiri maalintaasi:- Waxaa baas lahaaday waxaad dhiggiin uga carartaan. Waxayna dhan waliba iskaga qaylo dhaansadeen iyagoo leh:- Khaalidoow!! nakala saar. Waxaana gees u baxay saddex meelood ciidanka meel kamid ah oo Ansaar iyo Muhaajiriin ah.

Al Baraa bin Maalik-na maalintaa waxuu u guuxay sida libaaxii oo uu marba dhinac u duulay isagoo si aan horey loogu arag u dagaallamaya, waxuuna tolkiisii Ansaarta ku yiri isagoo la dardaarmi kuna boorin dagaalka:- Ansaareey!! yuusanna axad idinka ka mid ahi ku fekerin inuu ku laabto Madiina maanta kadib oo wixii maantadan ka danbeeya ma lihidin magaallada Madiina, waxaad leedihiin Allaah Sarreeye keli iyo Jannada.

Waxay asxaabtu maalintaa is oranayeen:- Asxaabtii suuratu Baqraay! maanta ayuu burey sixirkii Museylamah.

Thaabit bin Qeysna maalintaa waxuu qotay god u jooga gomadaha, oo inta uu kafantiisii huwday ayuu lugaha la galay isagoo calankii Ansaarta sida. Halkaas ayuuna ka dagaallamayey jeer la dilay.

Muhaajiriintii waxay la hadleen maalintaasi Saalim mowlaa Abaa Xudeyfa oo calanka Muhaajiriinta siday waxayna ku yiraahdeen:- Waxaan ka yaabeynaa in dhankaada nalooga yimaado. Waxuuse ku jawaabay:- Waxaan ahaaday mid Quraan xambaara midkii u baas lahaaday haddayba sidaa dhacdo”. Dabeeto wuu dagaallamay jeer la dilay isagoo Shahiid ah.

Zeyd bin Khadaab baa isaguna maalintaa hadlay oo yiri:- Dadoow!! qaniina (oo adkeysta) gowsahiina, oo garaaca cadawgiina, horeyna u socda. Illaah baan ku dhaartaye inaan hadleeyn jeer uu Alle jebiyo iyaga (Cadawga), ama aan Alle la kulmo (oo yacni dagaalkan la igu dilo) oo aan markaa xujadeyda kula hadlo. Waana la dilay isagoo Shahiid ah.

Intaa dabeeto, Khaalid baa waxuu qaatay seeftiisii oo dadkii dhex shabaaxay oo si daran u laayey, wuuna socday jeer uu u dhawaaday Museylamah oo uu ku sigtay inuu dilo, hase ahaate dib ayuu uga soo noqday, oo waxuu istaagay labada qola dhexdooda. Waxuuna dalbaday mubaaraso inay cidi usoo baxdo. Waxuuna yiri:- Waxaan ahay ibnu Waliid Al Cawd, waxaan ahay inankii Caamir iyo Zeyd. Dabeeto waxuu ku qayliyey halkudhiggii Muslimiinta ee maalintaa , oo ahaa:- Waa Muxammadaah!!. Qof usoo baxayna mubaarizo ma uusan sii jirin, kii usoo dhawaadana seefta ayuu ku qaatay. Kadib waxuu u dhawaaday Museylama oo u bandhigay xaqa iyo inuu usoo laabta, hase ahaatee waxaa ka hor istaagay sheydaankiisii, oo wuu diiday. Dabeetana Khaalid wuu kasoo weecday oo waxuu kala soocay ciidankii , si uu u ogaada bal halka laga soo galo, waxuuna kala soocay Ansaar iyo Muhaajiriin iyo reer miyigii kale. Banii Ab (qola ama reer) kastaaba waxuu u dhiibay calan goonni ah si ay hoosteeda uga dagaallamaan, oo loo ogaaddo ciddii maanta cararta iyo meesha Muslimiinta laga soo galayo. Qaddahaan cusubi waxuu ahaa xeelad militeri oo kamid ah xeeladahii uu Khaalid bin Waliid ku hoojin jiray acdaada Alle. Waana tan sababtay inaysan maalintaa Muslimiintii Mar dambe cararin oo , qola waliba waxay is tiri:- Yaadan ceeboobin oo, Muslimiinta maanta dhankaada laga gelin.

Kama aysanna suulin Muslimiintii qaddahaas cusub kadib inay horey ugu socdaan dhanka cadawgooda oo aysan gadaal milicsan, jeer Alle farajkiisii furay oo nasrigiisii soo degay. Markaa bayna ahayd goortuu Alle garabkii ciidankii Museylamah ka baxay oo hoojiyey, jab iyo halaagna ku riday, halka ay Muslimiintuna farxad, nasri iyo guul heleen.

Kadib way daba kaceen, oo ay kurka seefo ugu xiireen , oo si daran u laayeen. Markaa bay reer banii Xaniifah u ordeen beer xaggeeda uu u tilmaamay Al Maxkam bin Dhufeyl. Waxaase arkay Cabdiraxmaan bin Abuu Bakar, isagoo taagan albaabka beerta oo dadkiisii u khudbeynaya, markaasuu waran ku tuuray oo dhuunta kala helay, sidaa buuna Al Maxkam bin Dhufeyl ku hoyday. Beertani waxaa ay ahayd mid dhexdeedu balaadhantahay, oo leh gidaarro aad u dhaadheer. Ciidankii Museylamana tiradoodu aad bay u badneyd oo 40 000 bay ahaayeen. Dabeeto intay galeen bay isku xireen beerta albaabkeeda iyagoo isku halleynaya gidaarradeeda dhaadheer, oo aan marna ku fekereyn in loogu soo geli karo.Musaylama iyo ciidankiisiina waxay billaabeen inay gamuunnadoida kaga soo tuuraan muslimiinta beerta dhexdeeda. Intaa kadib Al Baraa baa fikrad keenay oo muslimiintii ku yiri:- Kulanka Muslimiintoow! i saara gaashaan dushiisa dabeetana waramada kor ugu iigula qaada gaashaanka oo igu tuura meel u dhow albaabka beerta.waxay udhawdahay in la idilo oo aan shahiida, ama inaan albaabka idinka furo. Kadibna Muslimiintii sidii bay yeeleen oo isagiina albaabkii buu furay. Intuusanna albaabka gaarin buu si aad ah ula diriray oo in badanna ka laayey , dabeetana markuu furay albaabkii baa Muslimiintii waxay arkeen dhaawacyada soo gaaray Al Baraa oo isugu jiray darba seef iyo durma waran iyo durid gamuunka.

Intaa kadib waxaa goobta beerta ka dhex dhacay dagaal aad u daran, halkaasoo ay Muslimiintii seefahoodii kaga shaqeeyeen kuwii diinta ka riddoobay oo derbiyada beerta ku dhakanayey, kadib markii laga itaal roonaaday. Waxaana goobtaa looga dilay tiro aad u badan, oo lagu qayaasay 10 kun (waxaa kaloo la sheegaa 21 kun) oo dagaalyahan ah. Muslimiintiina waxaa kaga shahiiday 600 (waxaa kaloo la sheegaa 500) oo kamid ah saadaaddii saxaabada iyo raggii Quraanka xifdisanaa. Sadarrada dambe ayaanna ku yara falaqeyn doonnaa magacyada kuwii ugu caansanaa ee goobtaa ku shahiiday. .

Museylama Al Kadaab isagu dagaalkan ayaa lagu dilay oo waxaa dilay Waxshi bin Xarbi (Mowlaa Jubeyr bin Mudcim). Waxuu waxshi arkay Museylama oo derbi ku dhakanaya, markaasuu inta gamuun ula soo baxay ayuu kusii daayey. Markaasuu gamuunkii dhanka kale uga dusay oo ka dhex baxay. Waxaana isa sii raaciyey Abuu Dujaanah Simaak bin Kharshah oo inta seeftiisii la dul tegay kaga shaqeeyay. Waxaa kaloo lasheegaa inuu ahaa ninkii isasii raaciyey C/laahi bin Caasim bin Camr.

Markii uu waxshi gamuunka la helay Museylamah ayay haweeneydii (Museylama) qasriga ka dhex qayliday iyadoo leh:- Amiirkii waxaa dilay addoon madoow!!.

Goobtan beerta ah ee dirirta ugu darani ay ka dhacday waxaa loogu magac daray Xadiiqatul Mowt (Beertii dhimashada). Macnaha waxaa weeye, waxaa ku hoobtay khalqi badan oo reer Yamaama ah oo lagu laayey. Waxayna Muslimiinta yaqiinsanaayeen mar haddii libta iyo guusha Alle ka siiyo, oo ay ka adkaadaan reer Yamaama, inaysan jiri doonin cid damba oo hor istaagta Muslimiinta Jaziiradda Carabta dhexdeeda.

Kadib waxuu Khaalid diray ilaalooyin iyo wardoonna oo uu u diray qalcadaha Yamaama si ay usoo hubiyaan cidda ku jirta. Kadib waxuu goostay inuu ku duulo qalcadaha oo uu furto, wax ciidan ahina kuma aysan jirin. Waxaa kaliyoo ku jiray dumar iyo carruur iyo waayeello. Hase ahaatee Mujaaca bin Muraarah ayaa Khaalid qiyaamay oo yiri:- Waxaa ka buuxa qalcadahani rag dagaalyahanno ah, hee igula heshii?

Khaalid arrintaa wuu yeelay maadaama ay Muslimiinta dagaallo badan soo galeen , aysanna weli nasan, oo aay aad u tabar dhigeen daal dartii , sabab la xiriirtay dagaalladii isku xig xigay. Haddaba waxuu yiri Mujaacah:- I dir aan u tego’ee si aan uga soo dhammeeyo heshiiska.

Markaasuu Khaalidna diray si uu heshiiska uga soo gunto reer Yamaama. Markii uu Majaacah bin Muraarah u tegay dumarkii, carruurtii iyo waayeelladii ayuu amray inay lebbistaan cambuur bireedyo, oo madaxana koofiyado soo gashtaan, dabeetana ay docyada qalcadda magadaxa kalasoo baxaan, si Khaalid ugu maleeyo inay yahiin ciidan culus oo goobta kujira. Khaalid baa markaa eegay dhankii qalcadaha mise waxuu arkay madaxyo fara badan oo meesha kaasoo jeeda, markaasuu u qaatay sidii uu Mujaacah usheegay inay ku jiraan ciidan qalcadahaas. Waxuuna u kaadiyey heshiis iyo Mujaacah uga soo gunto. Markiina uu furtay goobtii ayuu xaqii ugu yeeray iyana way usoo laabteen. Waxuuna Khaalid u celiyey qaar kamid ah waxyaabahii uu horey uga qabsaday oo kamid ah carruurtii iyo dumarkii (Dagaalka lagu qabsaday). Intii kalena waxuu u diray dhankii Madiina iyo khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Sidiiq. Waxaana Cali bin Dhaalib oo Madiina joogay kaga soo haggaagtay haweeney la oran jiray Khowlah bint Jacfar, taasoona u dhashay Maxamed bin Cali bin Abii Dhaalib oo caan ku ahaa Maxamed bin Xanafiyah.

Waxaa la isku khilaafaa waqtiga (sanadka) uu dagaalkan dhacay, waxaase jira qowl lagu kulmiya aqwaashii laga yiri waqtiguu dhacay. Khaliifat bin Khayaad iyo Maxamed bin Jariir iyo khalqi kamid ah salafkii iyagu waxay yiraahdeen:- Dagaalkan waxuu dhacay sanadkii 11aad. Ibnu Qaanic-na waxuu yiri:- wuxuu dhacay dhammaadkii sanadkii 11aad ee hijriyada.

Al Waaqidi iyo kuwa kalena waxay yiraahdeen:- Waxuu dhacay sanadkii 12aad ee hijriyada. Waxaase lagu kulmiyaa qowlalkaan kala duwan, in uu billawday dagaalkan sanadkii 11aad dhammaadkiisii uuna dhammaaday sanadkii 12aad ee hijriyada. Khaliifat bin Khayaad baala su’aalay oo lagu yiri :” Ma isku raacnaa sidan? Waxuu yiri:- Waa lagama maarmaan.

Abuu Bakar Sidiiq baa wax ka weydiiyey dadkii la soo qafaashay , waxii uu Museylama akhrin jiray , markaasay ka dalbadeen inuu cafiyo , isagiina wuu cafiyey, saa waxay u sheegeen khuraafaadkii uu akhrin jiray. Lacnaddii Alle dushiisa (Museylama) ha ahaatee.

Museylama waxuu riddoobay xayaatadii Rasuulka SCW oo uu Nebinnimo sheegtay. Rasuulka SCW ayuuna warqad usoo diray uu ku leeyahay:

Ka:- Museylamah bin Xabiib Rasuulkii Alle .

Ku:- Muxammed Rasuulkii Alle SCW.

Intaa dabadeed. Anigu waxaa la ila kaa wadaajiyey arrinka (Nebinnimada). oo waxaad madax u tahay Mudar, niguna waxaan madax u ahay Wabar. (Werin kale waxaa kusugan axaad leedahiin qeyb dhulka kamid ah inaguna qeybta kale) hase ahaatee Qureeshtu waa qowm cadaawad badan (xaasidiin ah).

Rasuulkuna waa uu u jawabay oo waxuu u diray warqad. Waxayna ahayd sida tan:

Ka:- Muxammed Rasuulkii Alle SCW.

Ku:- Museylamah beenaale.

Nabadi ha ahaato dusheeda ciddii raacdo hanuunka. Intaa kadib . Dhulka Alle baa iska leh, oo dhaxalsiin cidduu doona, ciribta dambaana waxaa leh mutaqiinta (kuwa Alle ka dhowrsada).

Alle Sarreeye waa uu ceebeeyey Museylamah beenaale oo waxuu soo dejiyey aayaddan:

Oo yaa ka dembi badan (majiree) qof ku been abuurtay Allaah, ama yiri waala ii waxyooday, isagoon loo waxyoon? Qofkii yiraahdo waxaan soo dejin waxa (Quraanka) uu Alle soo dejiyey mid lamid ah, Haddii aad arki lahayd markay dulmi falayaashu (Museylama iwm ) Sakaraatul mowt-ku ku sugan yahiin iyagooy Malaa’ik-tu ku taagi gacmaha oo ayna ku oran : Soo bixiya nafahiina, maanta waxaa laydinku abaal marin cadaab wax dulleeyo’e. Sababtu waxaad Allaah ku oran jirteen dushiisa wax aan xaq ahayn (oo aan wanaagsanayn) oo aad ahaydeen kuwa iska weyneeyo aayaadkiisa. (Suuratu Al Ancaam aayadda 93aad)

Halkaan buu Alle ku fadeexeeyay Museylama beenaale. Mar kale oo horreysay waxaa loo diray Camr bin Al Caas waqtigii Abuu Bakar ka hor. Markaasuu Museylamah yiri:- Oo maxaa cawadan saaxiibkiin ( Muxammed SCW ) lagu soo dejiyey? Markaasuu yiri:- Suurad aad u xeel sarreysa.

Markaasuu yiri:- Oo maxay tahay suuraddaas?

Dabeeta waxuu yiri:- Wal Casr oo uu u wada akhriyey. Dabeeto in cabbaar ah buu Museylama fekeray , markaasuu markii dambe madaxa kor uqaaday oo yiri:- Runtii aniguna mid iyada lamid ah baa la igu soo dejiyey.

Waxuu Camr yiri:- Oo maxay tahay?

Markaasuu Museylama akhriyey khuraafaad. Markiina uu Camr ka dhageystay buu Museylamah yiri :- Sideed u aragtaa Camaroow!!? Waxuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye waxaad ogtahay inaan aniga ogahay inaad been sheegeyso.

Waxay Culamaa’i Taariikh sheegaan inuu Museylamah iska doon dooni jiray sifooyinkii iyo barakooyinkii Rasuulka SCW. Waxaa gaadhay Museylama in Rasuulka SCW uu ceel ku tufay oo biyo badan yeeshay , markaasuu isagiina ceel ku tufay, markaasay biyahiisii gureen , ama gadhaadh noqdeen. Misna wuu weyseestay oo inta weysadiisii qaaday buu waraabiyey beer timreed, hase ahaatee waabay halligsantay oo ay baaba’day. Waxaa kaloo la sheegaa inuu u duceeyay nin isha wax uga dhaceen oo uu u masaxay , hase ahaatee wuuba indha beelay ninkii. Misna carruurta yar yar buu madaxa u salaaxi jiray oo uu oran jiray waa barako, hase ahaatee waxay ilmahaasi noqon jireen mid madaxa weynaado iyo mid carrabku soo dhaco.

Mar baa waxaa dhacday inuu u yimid nin reer miyi ah oo yiri:- Meeyay Museylama? Waxaa lagu yiri:- Ka aamu! Rasuulkii Alle.

Waxuu yiri:- Hah! Rasuul! mayee Wallaahi baan yeeleyn jeer aan arko.

Markii uu Museylama yimid ayuu ku yiri:- Ma adigaa Museylamah?

Waxuu yiri:- Haa!

Waxuu yiri:- Oo yaa kuu yimaada?

Waxuu yiri:- Raxmaan.

Waxuu yiri:- Oo ma nuur buu kuugu yimaadaa mise mugdi?

Waxuu yiri:- Mugdi.

Markaasuu ninkii intuu kacay yiri:- Waxaan qirayaa inaad adigu beenaale tahay Muxamadna runloow yahay, hase ahaatee beenaale reer Rabiica ah ayaan ka jeclahay runloow reer Mudar ah. Sidaa buuna ku raacay indho la’aan isagoo ay toljecleysi ka tambadisay. Isku meel ayaana lagu dilay asaga iyo Musaylah.

Shuhadadii Dagaalkan

Dagaalkan Yemaamah waxaa ku geeriyooday khalqi badan oo kamid ahaa saxaabadii Rasuulka SCW iyo xufaaddii xifdisaneyd Quraanka kariimka ah. Markaa ka horna Quraanku ma uusan kulmisneeyn ee aayaddii loo baahdo waxaa laga qaadan jiray qurraadaas goobtaa ku shahiidday iyo qurraa kale. Waxaa la sheegaa inay ahaayeen tirada saxaabadii ku shahiidday dagaalkan 58 iskugu jirtay Ansaar iyo Muhaajiriin waana inta aan hadda magacyadoodu soo gudbin doonno, hase ahaatee waxaa jiro werrinnada qaarkood kuwa oranayo waxay ahaayeen 70 Allaah baase inaga og. Waxaa kaloona la sheegaa inta kale inay ahaayeen qeyrkooda Muslimiinta kale, oo aanan ahayn Muhaajiriin iyo Ansaar. Haddaba waxaan soo gudbin doonnaa hadduu Alle idmo magacyadii saxaabadii iyo qurraadii ku shahiidday dagaalkan, intaynu hayna, waxayna ahaayeen sida tan:

  1. Abuu Maxammed Thaabit bin Qeys bin Shammaas Al Ansaari, waxuu siday calanka Ansaarta.
  2. Xazan bin Abii Wahab bin Camr bin Caa’id Al Makhzuumi (Waxaa dhalay Cabdillaahi bin Cabdimudallib abtigiis) Rasuulka SCW baa damcay inuu ka badallo magaca Xazan markii uu Islaamay oo uu u bixiyo Sahal, hase ahaatee wuu diiday oo waxuu doorbiday magacii aabahii uu horey ugu baxshay. Waxaa lala dilay wiilashiisa Cabdiraxmaan iyo Wahab iyo wiil ay dhashay xaaskii Xakam bin Wahab (Xakam waxaa adeer u ahaa Xazan bin Abii Wahab).
  3. Zeyd bin Khaddaab bin Nufeyl Al Cadawi. Waxuu la dhashay Cumar bin Khaddaab oo wuuna ka hor Islaamay kana hor shahiiday. Sidaa darteed buuna Cumar oran jiray:– Waxuu Zeyd iiga hor maray labo wanaag, oo kala ah Islaamka iyo Shahaado. Waxaa dilay nin la oran jiray Abuu Maryam Al Xanafi, ama nin ay Abuu Maryam ilmo adeer ahaayeen oo la oran jiray Sabiix Al Xanafi. Wuu Muslimay ninkaasi mar dambe, kadib markuu dilay Zeyd.
  4. Saalim bin Cubeyd (ama ibnu Macqil) Mowlaa Abaa Xudeyfa bin Cutbah. Waxuu siday raayaddii Muhaajiriinta maalintaa iyada ah.
  5. Abuu Dujaanah Simmaak bin Kharshah (ama Simaak bin Aws bin Kharshah) ibnu Lowdaan Al Khazraji As Saacidi, wuxuu ahaa mid kamid ah halyeeyadii Ansaarta.
  6. Shujaac bin Wahab bin Rabiic Al Usdiyu, Xaliif banii Cabdishams. Waxaa la dilay isagoo dhowr iyo afartan jir ah. Waxuu ahaa nin dheer oo dhuuban, kana mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee Islaamay.
  7. Dhufeyl bin Camr bin Dhariif bin Al Caas Ad Dowsi. Wuxuu ahaa ugaaskii reer Dows.
  8. Cubbaad bin Bishir bin Waqash Al Ansaari. Waa mid kamid ah kuwii ugu fadliga badnaa Ansaarta.
  9. As Saa’ib bin Cuthmaan bin Madhcuun Al Jumxi. mid kamid ah dhalinyartii saxaabada ee geesiyaasha ahaa oo kamid ahaa fardooleydii fara kutiriska. Waxaa la dilay isagoo dhalin yaro ah.
  10. As Saa’ib bin Al Cawaam bin Khuweylid Al Asdi, waxuu la dhashay halyeygii weynaa ee Zubeyr bin Cawaam.
  11. Cabdillaahi bin Suheyl bin Camr Al Caamiri. mid kamid ah mustadcafiintii Makka lagu jarribi jiray. Maalintii Bader ayuu Muslimiinta kaga soo biiray dhanka gaalada.
  12. Cabdillaahi bin Cabdillaahi bin Ubay bin Salool. Cadawgii munaafiqiinta, iyo mid kamid ah akhyaartii saxaabada.
  13. Macni ibnu Cadiyi ibnu Jaddu bin Cijlaan Al Ansaari. Waxuu la dhashay Caasim bin Camr.
  14. Abuu Xudeyfah bin Cutbah bin Rabiicah. mid kamid ah kuwii ugu horreeyay ee Islaamay. Magaciisuna waxaa la oran jiray Haashim ama Muhshim, waxaa kaloo la yiraadaa Husheym.
  15. Maalik bin Camr. Xaliif bin Camr, waa mid kamid ah raggii Bader xaadiray.
  16. Yaziid bin Ruqeysh bin Ri’aab Al Usdi. Mid kamid ah asxaabtii Bader, waxuuna ilma adeer la ahaa hooyadii mu’miniinta ee Zeynaba bint Jaxsh bin Ri’aab.
  17. Xakam bin Saciid bin Al Caas Al Umawi. Waxuu ladhashay Khaalid bin Saciid bin Al Caas.
  18. Jubeyr bin Maalik bin Buxeynah, oo la dhashay Cabdillaahi bin Maalik Al Asdi. Waxay xulufo ahaayeen banii Mudallib bin Cabdimanaaf.
  19. Caamir bin Bukeyr ibnu C/yaaliil Al Leythi oo xulufo la ahaa banii Cadiyi bin Kacab. Waxuu la dhashay Caaqil, Khaalid iyo Iyaas ilmo Bukeyr , oo waxay wada xaadireen Bader. Afartuba waxay Islaameen markii uu Rasuulka SCW galay daartii Al Arqam bin Abul Arqam, waxayna ahaayeen raggii ugu horreeyey ee uu daartaasi Rasuulka SCW kula mubaayacooda.
  20. Maalik bin Rabiicah. Waxuu xulufo la ahaa banii Cabdishams oo Qureesh ka tirsan.
  21. Abuu Umayata Safwaan bin Umaya bin Camr.
  22. Yaziid bin Aws oo xulufo la ahaa banii Cabdidaar oo Qureeshta ka tirsan.

23.Xubbay bin Xaaritha Ath Thaqafi, waa mid kamid ah qawjaddii saxaabada.

  1. Xabiib bin Useyd bin Jaariyah Ath Thaqafi, mid kamid ah saxaabadii reer Thaqiif.
  2. Al Waliid bin Cabdishams Al Makhzuumi. Waxaa dhalay Khaalid bin Waliid walaalkiis Cabdishams. waxuu Muslimay maalintii furashada Makka. Hooyadii waxay ahayd Asmaa bint Abii Jahal.
  3. Cabdillaahi bin Camr bin Bujrah Al Cadawiyu.
  4. Abuu Qeys bin Xaarith bin Qeys As Sahmi, waa mid kamid ah dadkii Xabashida u hijrooday.
  5. Cabdillahi bin Makhramah bin Cabdulcuzza bin Abii Qeys Al Caamiri. Waxay qaraabo soko ahaayeen Suheyl bin Camr Al Caamiri.
  6. Camr bin Aweys bin Sacad bin Abii Sarax Al Caamiri. Waxaa Cabdillaahi bin Sacad walaalkiis Aweys bin Sacad.
  7. Cabdillaahi bin Xaarith bin Qeys. Waxuu la dhashay Abuu Qeys.
  8. Suliidh bin Suliidh bin Camr Al Caamiriy.
  9. Rabiicah bin Abii Kharshah Al Caamiriy.
  10. Cabdillaahi bin Xaarith bin Rakhdah. Waxuu kasoo jeedaa qolooyinka banii Caamir.

Intaasi waxay ahaayeen Muhaajiriin, marka laga reebo dhowrkii Ansaarta ee aan soo magacawnay oo ay kamid ahaayeen Cubbaad bin Bishir, Thaabit bin Qeys, Abuu Dujaanah iyo Macni bin Cadiyi iyo Cabdillaahi bin Cabdillahi bin Ubay.

Imminkuna waxaan bartii kasii wadeynaa magacyadii saxaabaddii ku shahiidday dagaalkan Yamaamah, gaar ahaanna Ansaarta, waana sida tan innagoo tixraaceyna tiradii hore:

  1. Cammaarah bin Xazam bin Zeyd bin Lowdaan Al Khazraji. Waa mid kamid ah asxaabtii Bader.
  2. Cuqbah bin Caamir bin Naabiy bin Zeyd bin Xaraam Al Khazraji As Sulami. waxay isku jilib ahaayeen Mucaad bin Jabal, Al Xubaab bin Mundir iyo Al Baraa bin Macruur. Waxuu Cuqbah xaadiray Caqaba iyo dagaalkii Bader.
  3. Thaabit bin Hazaal, waxuu ka dhashay jilibka banii Saalim bin Cowf. Waa mid kamid ah asxaabtii Bader.
  4. Abuu Caqiil bin Cabdillaahi bin Thaclabah Al Khazraji oo waxuu kasii yahay jilibka Jaxjabi. Waxuu xaadiray Bader.
  5. Cabdillaahi bin Cuteyk.
  6. Xaajib bin Zeyd Al Awsi Al- Ash-hali.
  7. Sahal bin Cadiyi.
  8. Maalik bin Aws.
  9. Cumeyr bin Aws.
  10. Dhalxa bin Cutbah, waxuu kadhashay reer Khazraj, gaar ahaan Jaxjab.
  11. Rabaax mowlaa Xaarith.
  12. Jazaa’a bin Maalik bin Caamir, waxuu ka dhashay Jaxjab.
  13. Wadfah bin Iyaas bin Camr Al Khazraji. Waa mid kamid ah asxaabtii Bader.
  14. Jarwal bin Cabbaas.
  15. Caamir bin Thaabit.
  16. Bishr bin Cabdillaahi Al Khazraji.
  17. Kuleyb bin Bishir bin Tamiim.
  18. Cabdillaahi bin Citbaan.
  19. Iyaas bin Wadiicah.
  20. Ascad bin Yarbuuc As Saacidi.

54.Sacad bin Xaaritha (ama Sacad bin Jaariyah).

  1. Sacad bin Xammaam.
  2. Makhaashi Al Ximyari (Xulufo ayuu Ansaartu la ahaa).
  3. Salamat bin Mascuud, waxaa kaloo la yiri : Mascuud bin Sinaan.
  4. Damrah bin Ciyaad.
  5. Abuu Xabbata bin Ghaziyah Al Maazini.
  6. Cabdillaahi bin Uneys (ma ahan kii dilay Khaalid bin Safwaan Al Hudali. Kaasi waxuu nagaaday illaa 54 hijriyada).
  7. Xabiib bin Zeyd.
  8. Xabiib bin Camr bin Muxsin.
  9. Thaabit bin Khaalid.
  10. Farwata bin Nucmaan.
  11. Caa’id bin Maacis.
  12. Yaziid bin Thaabit bin Daxaak. Waxuu la dhashay Zeyd bin Thaabit.

Khaliifat bin Khayaad isagu waxuu leeyahay :” Isku dar intii kaga shahiidday Saxaabada Muhaajiriin iyo Ansaar dagaalkii Yamaama waxay noqonayaan 58. hase ahaate waxaa kutubta taariikhda qaarkood laga arki karaa inay ka badan yahiin intaa, waxaana meela badan ku xusan in ay ahaayeen isku dar saxaabadii ku shahiidday Yamaamah 70 akhyaartii saxaabada iyo xufaaddii kamid ahayd. Haddaba inagoo tixraaceyna qowlka damba ee ah inay ahaayeen 70 ayaa waxaa inoo suuro gashay inaan intaan magacyadooda soo gudbinno, falillaahil Xamdu.

Diin Ka Noqoshadii Reer Baxreen

Baxreen horey Rasuulka SCW markuu dhambaallada diraayey ayuu u diray Al Calaa bin C/llaahi Al Xadramiyu (Calaa bin Al Xadrami) si warqadda uu ugu geeyo boqorkii markaa maamuli jiray oo la oran jiray Al Mundir bin Saawi. Boqorkii waxuu ku Muslimay gacanta Calaa bin Xadrami, oo dadkiisina waxuu ku maamulay Islaamka iyo caddaaladiisa. Rasuulka SCW markii ay tii Alle u timid oo Alle oofsaday, Mundir bin Saawina waxba sidaa u badan ah kamuuna dambeyn oo isagiina wuu geeriyooday. Waxaana la joogay markaa oo uu Nebiga SCW horey ugu diray saxaabiga Camar bin Al Caas. Markaa buu Mundirna wax ka su’aalay Camar xoolahiisa siduu Rasuulka SCW u dardaarmi jiray qofka ay geerida ku xaadirto, oo isagiina uu usheegay. waxuuna sadaqo ahaan ula baxay saddex meelood meel kamid ah hantidiisii.

Haddaba markaa iyada ah kadib bay reer Baxreen riddoobeen oo waxayna u qeybsameen laba kooxood. Koox iyadu waay riddoowday waxayna madax ka dhigteen nin la oran jiray Al Mundir bin Nucmaan bin Mundir. Mid iyagii kamid ah baana waxuu yiri:- Haddii uu Muxammed Nebi yahay ma uusan dhinteen. Oo dadkii reer Baxreenna islaannimadii kuma aysan harin magaalooyinkoodii marka laga reebo qarya la oran jiray Juwaatha sidaynu horey usoo xusnayba. Waxay ahayd Jawaatha qaryadii ugu horeysay ee salaad Jumca lagu oogo kadib markay dadkii xaqa usoo noqdeen sida kusugan kitaabka Bukhaari oo laga soo weriyay Cabdullaahi bin Cabbaas.

Dadkii qaryadaa kusugnaa iyagu waxay ahaayeen kuwa kusugnaaday xaqii, waxaana go’doomin daran ku qabtay qoladii kale ee iyagu riddoobay, heer ay gaajo darteed la adkeysan waayeen oo marrinadii oo idil ay ka xirmeen. Markaa baa waxaa ka dhex kacay nin iyaga kamid ahaa oo la oran jiray Jaaruud bin Mucallaa. Jaaruud kan wuxuu kamid ahaa rag Rasuulka SCW wafdi ahaan ugu tegay oo waxaaba la sheegaa inuu saxaabi ahaa. Waxuu ka dhex kacay tolkiisii si uu ugu caddeeyo xaqiiqda oo waxuu yiri:- Kulanka banii Cabdiqeysoow!! Anigu arrin baan idin weydiin ee iiga jawaaba, waa haddii aad garataane, oo ha iiga jawaabina haddaydaan garan.

Waxay yiraahdeen:- Haggaag ina weydii.

Waxuu yiri:- Ma ogtihiin in Alle u sugnaadeen Nebiyo uu leeyahay ka hor intuusan Muxammed SCW soo saarin?

Waxay yiraahdeen:- Haah!.

Waxuu yiri:- Oo ma ogaateen mise waad aragteen?

Waxay yiraahdeen:- Mayee waan ogaannay.

Waxuu yiri:- Oo maxay faleen ( Xaalkoodu hadda waa sidee )?

Waxay yiraahdeen:- Way dhinteen.

Waxuu yiri:- Haddaba Muxammed SCW dhimey sidayba iyagu u dhinteen. Waxaanna anigu qirayaa oo aan marqaati ka ahay inuusan jirin la caabbuda xaq lagu caabbudaa oo aan ka ahayn Allaah, Muxammedna SCW inuu yahay Rasuulkii Ilaah.

Markasay yiraahdeen:- Innaguna sidaa oo kale ayaanu qireynaa inuusan jirin la caabbuda xaq lagu caabbudaa oo aan ka ahayn Allaah, oo Muxammedna SCW uu yahay Rasuulkii Illaah. Adiguna waxaad tahay kaayagii inoogu fadliga badnaa iyo ugaaskayagii.

Islaannimadii bayna kusugnaadeen. Oo markaa bayna ahayd markii uu Abuu Bakar Sidiiq u diray Baxreen Al Calaa bin Al Xadrami sidaynu horeyba usoo xusnay markii uu dirayey 11-kii ciidan ee uu Dulqassaa ku dhisay. Markii uuna Al Calaa ku dhawaaday Baxreen ayaa waxay is heleen qaar kamid ah ciidamadii Muslimiinta oo uu ku jiray Thumaama bin Othaal Al Xanafi oo markaa ka hor kasoo guddoomay dhankii Yamaamah.

Al Calaa bin Al Xadrami waxuu ahaa mid kamid ah sanaadiiddii saxaabada iyo kuwoodii ugu akhyaarsanaa, oo waxuu ahaa mid kamid ah kuwii cibaadada badnaa oo caabidiinta uu Alle ducadooda aqbali jiray ayuu kamid ahaa. Wuxuu soo dhaweeyay ciidamadii Muslimiinta ee uu meeshaa ku arkay isagoo sharfay oo dejiyey.

Markii uu Calaa u dhawaaday dadkii riddoobay, ayuu Muslimiintii u khudbeeyay oo amray, adkeysi iyo sabar mar waliba, waxuuna ugu bishaareyay inuusan Alle dulleyneeyn mar hadday Muslimiin yahiin, oo waxuu caddeeyay inuusan Alle dulleynin cid ku sugan Muslinnimo, oo ku jihaadeyso jidka Alle oo misna Ansaartii Alle Sarreeye ah.

Dabeeto goor salaad fajar ah buu dadkii tujiyey oo uu jilbo jilbo u fadhiistay oo Alle u baryay oo iyagiina sidiisii oo kale faleen. Markaana waxaa Muslimiinta hayey oon daran oo Alle baa il biyo ah u dolooliyey oo ka waraabiyey ciidamadiisii.

Markii ay isku soo dhawaadeen Murtaddiinta oo markaa watey ciidan culus, oo khalqi tiro badan ah bay dabeeto is hor degeen. Iyagoo sidaa kusugan baa habeen habeennada kamid ah uu Calaa maqlay buuq iyo sawaxan ka yeeraya dhanka cadawgiisa kuwa riddoobay. Markaasuu yiri:- Oo yaa inoo soo baaraya kuwan warkooda? Dabeeto waxaa kacay nin la oran jiray Cabdillaahi bin Xadaf oo inta dhex galay khabar buuxo ka keenay. Waxuu ibnu Xadaf soo arkay qoomka oo wada sakraamay siday khamro u cabbayeen oo caqligii ka tegay. Markaasuu inta soo deg degay khabarkii u keenay Al Calaa bin Xadrami. Intaa kadib Calaa bin Al Xadrami waa uu rartay isagoo ay ciidamadiisii la socdaan, markaasuu ka dul dhacay ciidankii kuwa riddoobay oo si daran u laayey oo dhan waliba u eryaday oo dhufeys waliba u galay, waxaana yaraa inta ka fakatay oo badankoodu goobtaa baala dhigay. Waxuuna ka reebtay maal badan iyo hubkoodii oo waxuu ka qaniimeystay qaniimo tiro badan.

Dadkii habeenkaa hurdayey goobtaa waxaa kamid ahaa oday la oran jiray Xadham bin Dhabiicah oo isagu kamid ahaa odayaashii dadkaa, markaana hurdaayey. Waxuuse kusoo baraarugay goor ay Muslimiintii dadkiisii laynayeen oo dhan waliba u eryanayeen, markaasuu ku deg degay faraskiisii oo damcay inuu kora, hase ahaatee waa uu wareeray oo jihadii ka luntay, markaasuu ku calaacalay:- Yaa itoosiya? Saa nin Muslimiinta kamid ah baa goor mugdi ah ku yiri:- Anigaa kutoosin ee sare lugtaada uqaad. Markii uu lugtii sare uqaaday buuna ka jaray oo seeftii ugu salaaxay. Waxuu Al Xadham yiri:- War is keey raaci. Hase ahaatee ninkii Muslimka ahaa waxuu yiri:- Yeeli mahayo sidaa. Wuuna iskaga tegay, oo isagiina Al Xadham dhulka ayuu si huleel ah ku dhacay. Qof waliboo soo maraana waxuu ka dalbanayey in uu isa sii raaciyo, hase ahaatee cidi ma aysan yeelin jeer uu markii dambe soo maray Qeys bin Caasim. Markaasuu Xadham yiri:- Waxaan ahay Al Xadham ee isa sii key raaci. Markaasuu dilay.

Markii uu Qeys ka tegay buu wax yar ka dib arkay lugtiisii oo meesha tiilay. Markaasuu ka shallaayey oo waxuu yiri:- Halleeyay!! Oo haddii aan ogaan lahaa waxa uu kusugnaa ma aan u dhaqaaqeen.

Dabadeed Muslimiintii waxay daba raacdeysteen kuwii baxsaday ee jabay raadadkoodii. Oo badankoodiina kuwii jabay waxay aadeen dhanka badda oo ay uga sii gudbeen Daariin. Waxayna u raaceen dooman.

Kadib Calaa bin Xadrami waxuu jideeyay in la qeybiyo qaniimadii goobtaa laga helay, kadib markuu ka saaray khumuskii ( 1/5 ) oo waxuu amray in la is fududeeyo oo culeyska la iska bar yareeyo. Markii uu howshii qaniimada ka faaruqay buuna Muslimiintii u caddeyay in ay haleelayaan dhanka Daariin iyo kuwii jabay, si ay uga soo cadgoostaan. Markaa bay Muslimiintiina si talantaali ah u ajiibeen arrinkaas oo u deg degeen, dabeetana waala baxay oo waxaa la tegay xeebtii, si ay doonyo uga raacaan halkaa.

Waxay arkeen inaysan doomyahu u dhaweyn, aysanna ka gaareyn in ay doomya sugaan oo waayo ciidamada acdaada ee riddoobay baa ka fakan oo intaasi ay u noqon fursad dahabi ah. Markaa buu Al Calaa faraskiisii badda la galay isagoo leh:- Inta naxariisato kan ugu naxariista badanoow! Kan falka suubban oo sharafta badanoow! Kan keliga ah ee deeqtoonoow! Kan nool waxna nooleeyoow! Kan khalqiga maamulo oo weynida iyo sharafta usaaxiibka ahoow!, Alle kala ma jiro aan adiga ahayn, Rabbigannoow!!. Dadkiina waxuu amray inay sidaa falaan, markaa bay sidaa faleen oo gaadiidkoodii badda la galeen, wayna ku dhex socdeen iyadoona awrtoodu gomadahooda biyuhu u gaareyn, farduhuna aysanna u gaareyn jilbaha. Waxayna dhexsocdeen baddii jeer ay tegeen dhankii kale ee birriga oo ay cadawgoodii isku heleen oo ay dad badanna ka laayeen qaniimo badanna kasoo furteen. Dabeetana sidoodii hore oo kale ayay baddii ugu soo laabteen oo ay dhankii kale u yimideen iyagoon balo arag. Waxaana la sheegaa inay ahayd mariddoodu iyo soo noqoshadoodii muddo isla hal maalin dhexdeeda ah.

Kadibna Al Calaa waxuu qeybiyey qaniimadii uu kasoo furtay oo aad u tiro badneyd, waxuuna qofkii faras watay helay 2000, kii lugeynayeyna waxuu helay 1000 Dirham iyadooy weliba ciidanku tiro badnaayeen. Kadib Al Calaa waxuu khumuskii qaniimada u diray dhankii Abuu Bakar isagoo uguna bishaareynayo guulahii is daba jooga ahaa ee uu Alle cadawgooda uga loogay. Markaa buu Abuu Bakarna warqad usoo diray Calaa uu ugu mahad celinayo waxii uu sameeyay.

Waxaa la sheegaa in nin reer Hajar ah oo raahib ahaa uu ku Muslimay kalmadihii Al Calaa bin Xadrami , markii uu marayey badda uu akhrinayey , oo waxaa la sheega markii la weydiiyey ninkaas sababta ku kalliftay inuu Muslima ayaa waxuu tilmaamay inuu hawada ka maqlay dhawaqa kalmado aad iyo aad u qiimo badan Wuxuuna yiri:- Haddii aanan rumeynin kalmadahaasi, waxaan ka yaabay inuu Alle aniga dhan inasakho.

Diin Ka Noqoshadii Reer Cummaan, Reer Mahra & Reer Yeman

Reer Cumaan iyagu waxaa kasoo shaac baxay nin laqabkiisu uu ahaa Dut- Taaj, magaciisuna la oran jiray Laqiid bin Maalik Al Uzdi. Waxaa ninkan loo yaqiinay waqtigii jaahiliyada Julandaa, waxuuna sheegtay Nebinnimo, oo waxaa raacay khalqi badan oo juhaladii reer Cummaan kamid ah. Waxuu Laqiid ka adkaaday Jeyfar iyo Cabbaad oo kamid ahaa madaxdii reer Cummaan, waxayna labadaasi nin ahaayeen rag Muslimiin ah. Markii uu Laqiid ka saaray magaaladii ayaa waxay u kala carareen buuraha iyo keymaha. Jeyfar baa markaa Abuu Bakar warqad u diray uu kaga dalbanayo in ciidan uu usoo diro. Markaa buuna Abuu Bakar soo diray laba amiir iyo ciidamadooda, kuwaasoo kala ahaa Xudeyfah bin Muxsin Al Ximyari iyo Curfajata Harthama bin Zuheyr Al Baaruqiyi. Waxuu Abuu Bakar Cummaan u diray Xudeyfah, halka uu Mahra-na u diray Curfajata Al Baaruqiy. Waxuu Abuu Bakar amray inay labadan ciidan kulmaan oo isku darsamaan oo ay marka hore howsha ka billaabaan Cummaan. Inta Cummaan la joogana waxuu amray ciidamada oo idil inuu amiir u noqda Xudeyfah bin Muxsin Al Ximyari. Markiina laga faaruqo Cummaan, waxuu amray inay u jiheystaan Mahra, markaasina wuxuu amray inuu amiir noqdo Curfajata bin Harthama.

Waxaan horey usoo xusnay in Cikrama loo diray Yamaamah, dabeetana laga daba diray Shuraaxbiil bin Xasanah. Cikrimah wuu deg degay oo wuxuu dul degay Museylamah, hase ahaatee Museylamah wuu iska soo caabiyey, oo dib ayuu usoo durkiyey. Arrintaa deg dega ahi Abuu Bakar waa uu ku canaantay Cikrimah, waatiina uu Khaalid markuu ka faaruqay Buzaakha uu u diray dhankii Yamaama. Waxaa markaasi dhacay wixii dhacay ee aynu soo xusnay, Museylamana la dilay, oo Yamaamana la furtay.

Markaa buu Abuu Bakar amray Cikrimah bin Abii Jahal inuu aado dhanka Cummaan iyo xagga Xudeyfah iyo Curfajah. Mid kastoo saddexdaan amiirrada kamid ahina waxuu amiir u noqon doonaa ciidankiisa, oo Xudeyfah waxuu amiir noqon inta Cummaan la jooga, Curfajana inta Mahrah la jooga.

Waxuu yiri Abuu Bakar:- Markii aad ka faaruqadaan, aad adiga ( Cikramah ) dhanka Yeman iyo Xadrulmowt, oo la jooga Muhaajir bin Abuu Umayah. Waxuuna intaa dabadeed Abuu Bakar warqad u diray labadii amiir ee Xudeyfah iyo Curfajah, taasoo uu ku ogeysiin in uu Cikramah u soo diray, waxuuna amray inay la tashadaan, oo ay taladiisuna goostaan, maadaama uu yahay nin qibrad u leh arrimaha dagaalka. Wuxuu Cikramah ahaa mid geesi ah oo geesiyaashii iyo halyeeyada Carabta kamid ahaa. Markii ay amaraadii u dhawaadeen Cummaan ayay u cid direen Jeyfar iyo Cabbaad. Dabeeta Laqiid baa waxuu maqlay ciidamada dhulkiisa yimid, markaa buu ciidankiisii soo dhaqaajiyey oo ku dhisay goob la yiraahdo Dubaa. Waxayna goobtaasi ahayd suuq weyn oo dhulkaasi ku yiillay. Waxuuna ciidankii soo daba dhigay hantidii oo idil, si aysan dib dambe u milacsan oo ay maalkooda, carruurtooda iyo dumarkooduba u dagaallamaan. jeyfar iyo Cabbaadna waxay ku kulmeen goob la yiraahdo Suxaar. Markaa bay is raaceen oo ay ku biireen ciidamadii Muslimiinta.

Waxaa kulmay labadii koox, ciidankii Allaah iyo ciidamadii Sheydanka. Waxaana goobtaa ka dhacay dagaal aad u daran oo lagu imtixaanay Muslimiintii oo ayba ku sigteen inay dhabarka jeediyaan, haddii uusan Alle nasri iyo gargaar deg deg ah usoo dejin jaantey rogi lahaayeen.

Markaa iyada ah oo xaaladdu ay darreed buu Alle Muslimiintii u turay, oo sharfay oo u soo diray ciidamo gurmad ah oo katirsan qolooyinka banii Naajiyah iyo Cabdiqeys. Markaana waxay ahayd goortii nasriga iyo furashada, waxaana gacantii sareysay yeeshay ciidamadii Alle, halka laga halligay xisbul daakhuudkii. Dhabarkay jeediyeen oo waa jabeen ciidamadii Laqiid, markaa bay Muslimiintiina dhan waliba u raaceen oo si daran u laayeen, waxaana laga dilay kufaartii tiro 10 000 oo dagaalyanno ah, waxaayna Muslimiintii qaniimeysteen hantidii suuqaa tiillay oo aad u badneyn. Kadib waxay qaniimadii ka saareen khumuskii oo intii kalena qaysadeen, dabeetana waxay khumuskii u dhiibeen mid kamid ah madaxdii ciidamada, waxuuna ahaa Curfajah Al Baaruqiy. Intii howshii soo gutay buuna ciidamadiisii kusoo noqday mar kale.

Ammaa Mahrah, waxaynu soo xusnay in markii hore uu Abuu Bakar Siddiiq soo amray inay ka bilaabaan Cummaan, dabeetana ay ku xijiyaan Mahrah, kadib markay ka faaruqaan Cummaan. Waa sidaase markii ay ka faaruqeen, waa tii khumuskii qaniimada loo dhiibay Curfajah Al Baaruqiy si uu khaliifadii Rasuulka SCW ( Abuu Bakar ) ugu geeyo. Haddaba markaa ayaa waxaa Mahrah aaday Cikramah iyo ciidamadiisii lasocoday, waxuuna tegay goobtii Mahrah oo uu kula kulmay laba ciidan oo middoodi ka badanyahiin kooxda kale. Kooxda badan waxaa amiir u ahaa nin la oran jiray Al Misbax Al Muxaaribi. kuwa kalena waxaa amiir u ahaa nin la oran jiray Shakhriit. Labadan amiir ee meesha deganaa way is khilaafsanaayeen. Khilaafkooduna waxuu Muslimiinta u ahaa naxariis Alle xaggiisa uga timid. Kadib Cikrimah waxuu u cid diray Shakhriit si uu xaqa ugu soo laabta, isagiina wuu yeelay oo wuxuu ku biiray ciidankii Cikrimah. Dabeeta waxuu Cikrimah u cid diray Al Misbax Al Muxaaribi si uu isaguna xaqa ugu soo laabto, hase ahaatee diidyay, oo waxuu ku faanay ciidan badni iyo inuu awood u leeyahay inuu iska celin karo Muslimiinta.

Markaa buu Cikrimah soo dhaqaajiyey ciidankiisii oo ay is heleen Al Misbax, waxaana dhex maray dagaal aad u culus, oo ka daran kii Dubaa ee aan usoo xusnay. Dabeeta Alle baa guul iyo furasho siiyey ciidamadiisii Muslimiinta, kuwii kalee riddaduna waa ay jabeen oo way kala firxadeen. Al Misbaxna waala dilay, khalqi badan oo kamid ah qowmkiisiina waala laayey. Halkaana waxay Muslimiinta qaniimo ahaan u heleen, hantidii cadawgooda. Markaa baa inta khumuskii laga saaray loo qaybiyey ciidanka. Dabeetana waxaa khumuskii loo dhiibay Shakhriit si uu Abuu Bakar ugu geeyo. Bishaaradii guushuna waxaa loo dhiibay nin la oran jiray As Saa’ib Al Caabidyu. Halkaana nin la oran jiray Culuuj baa gabay ka tiriyey, kaasoo uu aad ugu amaanay Shakhriit iyo weliba guushii ay Muslimiinta ka heleen cadawgooda.

Ammaa reer Yeman

Waxay iyagu horey u raaceen Aswad Al Canasi (oo magaciisu uu ahaa Cubhalah bin Kacab bin Canas), oo Nebinnimo sheegtay. Ninkan isagu waxuu soo shaacbaxay waqtigii Rasuulka SCW, oo uu Nebinnimadu sheegtay, markaasoo uu ka saaray Sanca madaxdii uu Rasuulka SCW horey ugu diray. Dabeeta waxaa raacay qaar kamid ah reer Yeman. Markaa buu Rasuulka SCW markuu maqlay soo bixidda ninkan ayuu warqad qoray oo uu u dhiibay nin la oran jiray Wabar bin Yuxannas Al Daylami. Waxuuna warqaddaa u diray madaxdii Yeman joogtay oo uu amrayo inay la dagaallamaan Aswad Al Canasi, oo waxuu kaloo farriin u diray reer Yeman in dhammaantood la dagaallamaan ninkaasi.

Yeman markaasi waxaa joogay Mucaad bin Jabal, oo haweeney Sukuuniyad ah ku guursaday, waxaana la oran jiray haweeneydaasi Ramlah As Sukuuniyah. Waxaa kaloo joogay Khaalid bin Saciid bin Al Caas oo masuul ka ahaa deegaannadii Caamir, Rafac, Zubeyd iyo weliba qeyb kamid ah dhulkii Najraan. Sidoo kale waxaa joogay Shahar bin Baadaan oo Yeman kor masuul ka ahaa. Iyo waxaa kaloo joogay oo kamid ahaa madaxdii Rasuulka SCW masuulka uga ahayd Yeman oo uu kamid ahaa Abuu Muusa Al Ashcari oo Ma’rib masuul ka ahaa. Waxaa kamid ahaa Yaclaa bin Abii Umayah oo Janad masuul u ahaa, iyo Daahir bin Abii Haalah oo Cakah iyo Ashcariyiinta madax u ahaa, iyo Camr bin Xaraam oo qeyb Najraan kamid ah madax u ahaa. Dhulka Xadrulmowt-na waxaa masuul ka ahaa Ziyaad bin Lubeyd. Sidoo kale waxaa joogay Cukaasha bin Thowr ibnu Akhdar oo madax u ahaa Sakuun iyo Sakaasik, iyo Cabdillaahi bin Qeys oo madax u ahaa banii Mucaawiyah iyo Kindah. Mucaadna waxuu ahaa macallimkii Baldeynka ( labada Balad ) yacnii Xadrulmowt iyo Yeman, waxuuna Rasuulka SCW Mucaad amray markuu diraayey inuu iskaga kala goosha labadaa dhul Yeman iyo Xadrulmowt oo uu dadkooduna macallim u noqda.

Iyagoo ay xaaladdaasi ku sugan yahiin amraa’dii Rasuulka SCW buu ninkan Al Aswad Al Canasi soo baxay. Waxuuna ka soo jeeday oo uu ka yimid deegaan la yiraahdo Kahf-Khubbaan, oo waxuu markaasi watay 700 oo dagaalyahanno ah.

Kadib waxuu warqado u diray masuuliyiintii Rasuulka SCW ee Yeman ku sugnayd oo waxuu ku yiri:- Innagaa idinkaga xaq leh ee inoo soo celiya dhulkayaga oo, waxaad idinku leedihiin waa dhulkiina.

Dabeeto waxuu abbaaray dhankii Najraan oo qabsaday 10 casho kadib soo ifbixiddiisii. Dabeeto waxuu aaday dhanka Sanca oo waxaana ka hor yimid Shahar bin Baadaan oo waxaa dhex maray dagaal culus, oo lagu jebiyey ciidamadii Shahar bin Baadaan, isagiina (Shahar) waa la dilay. Markaa buu galay Aswad magaaladii Sanca oo uu qabsaday 20 casho kadib soo ifbixiddiisii. Dabeeto Mucaad iyo Abuu Muusal AShcari waa ay ka baxsadeen Sanca iyo deegaannadii Yeman oo waxay aadeen dhankii Xadrulmowt. Masuuliyiintii Rasuulkuna SCW Waa ay kala faniineen, oo Camr bin Xaraam iyo Khaalid bin Saciidna waxay aadeen dhankii Madiina oo ay kulaabteen. Sancana waxay gacanta u gashay Al Aswad Al Canasi oo masuul ka noqday.

Maalintii ay Aswad is helayeen Shahar bin Badaan waxuu ciidankiisu dhamaa 700 sidaynu soo xusnayba, waxaana kamid ahaa madaxdii ciidankiisa Qeys bin Cabdiyaaquuth, Mucaawiyah bin Qeys, Yaziid bin Maxram, Yaziid bin Xisni Al Xaarithi iyo Yaziid bin Al Afkal Al Uzdiyu. Xukunkiisiina wuu ku xoogeystay Yeman.

Camr bin Macdiyakrib isagu wuu riddoobay oo waxuu amiir u noqday Banii Mudxij oo uu masuul uga ahaa Al Aswad, Al jandu waxaa masuul uga ahaa Qeys bin Cabdiyaaquuth, Abnaa-guna ( Abnaa waxay ahaayeen qolo asalkoodu Faaris ka soo jeedday oo waxay dhulka Yeman yimideen markii ay Yeman ka dalbatay Faarisiinta inay uga gargaaraan Xabashida oo markaa ay qaatiyaan ka joogeen. Markaa buu boqorkii Furus ee waqttigaa jiray usoo diray ciidan, kuwii xabsiyada ku jiray oo uu cafis u fidiyey , markiina ay yimideen Yeman bay degeen oo ay habdhaqankii iyo hanaankii Carabta yeesheen oo ay ka guursadeen, dabeetana dadkaa firkoodii ayaa loo baxshay Abnaa. ) waxaa masuul uga ahaa Feyruuz Al Deylami iyo Daadaweyhi, oo iyagu Muslimiin mu’miniin ahaa, oo qorsha kale maldahayey, waxay doonayeen uun inay dilaan Aswad Al Canassi.

Al Aswad wuxuu guursaday haaweeneydii Shahar bin Baadaan oo ay Feyruuz Al Deylami ilmo adeer ahaayeen, taasoo la oran jiray Zaad (ama Aazaad) Al Deylamiyah, waxayna ahayd haweeney mu’minad saalixad ah.

Markiina ay maqleen geeridii Rasuulka SCW baa dad badan oo reer Yeman kuwii Islaamka ku jiray ah ay riddoobeen, iyagoo markii horeba shaki iyo laab laab ku jiray. Haddaba waxaa u tashaday Saddex kamid ah madaxdii dhulkaa joogtay sidii ay ku dili lahaayeen Al Aswad isagoon fahmin arrinta ay damacsanyahiin. Waxayna u muujin jireen inay isagu rumeysanyahiin Nebinnimadiisa. Saddexdaa nin waxay kala ahaayeen Feyruuz Al Deylami, Daadaweyhi iyo Qeys bin Hubeyrah bin Hilaal (Al Muraadi) Al Bujaliyi oo loo yaqiinnay Qeys bin Makhsuux. Waxaa howshan la wadday gabadhii uu qabay Al Aswad Al Canasi oo ay ilma adeer ahaayeen Feyruuz Al Deylami, waxayna ahayd haweeney mu’minad saalixad ah sidaynu soo xusnayba.

Haddaba goor habeen ah ayuu Feyruuz dilay Aswad oo uu madaxa ka jaray. Dabeetana waxaa damcay inuu xukunka Yeman qabsado Qeys bin Makshuux. Waxuuna go’aansaday inuu dilo labada masuul ee kale (Feyruuz iyo Daadaweyhi), hase ahaatee arrintaa uma aysan suuro gelin, kaliya waxaa u suuro gashay inuu dilo Daadaweyhi . Sababtuna waxay ahayd mar buu usameeyay raashiin, dabeetana uu marka hore u cid diray Daadaweyhi si uu gurigiisa u yimaado. Markii uu Daadaweyhi yimid buuna Qeys ku deg degay oo dilay. Misna waxuu u cid diray Feyruuz Al Deylami, markaa buu Feyruuz dhankii Qeys aaday. Isagoo dariiqa marayo ayuu maqlay codka labo haween ah oo midi ay midda kale ku oraneyso :-Kanna isagu waa mid la dili doono, sidii loo dilay saaxiibkiis.

Markaa buu fahmay oo inta jidkiisii ku laabtay ayuu u tegay asxaabtiisii, oo uu uga warramay waxa dhacay iyo in la dilay Daadaweyhi. Kadib waxuu Feyruuz aaday dhanka reer abtiyaashii banii Khowlaan, waxaana u gargaaray qabiilooyinka Cakka iyo Caqiil iyo khalqi kale. Dabeetana Qeys waxuu qaatay labadii daar ee Daadaweyhi iyo Feyruuz, Abnaa-giina ciidankiisii ayuu ku daray, markaasuu ku weynaaday dhulkii Yeman, oo ciidamo u diray bad iyo berri. Muddo kadibna waxaa yimid Feyruuz oo hoggaaminayo khalqi tiro badan. Waxayna is heleen Qeys oo dagaal darani dhex maray, kaasoo lagu jebiyey Qeys iyo ciidamadiisii. Qeys iyo Camr bin Macdiyakribna waala soo qabtay qafaal ahaan, markaa baa Muhaajir bin Abuu Umaya waxuu amray in loo geeyo Abuu Bakar Siddiiq. Markii loo geeyayna waa ay u cududaarteen isagiin waa uu ka aqbalay, wixii aay muujisanayeen, sirahooduna waxuu u wakiishay Allaah Sarreeye.

Kadibna masuuliyiintii Rasuulka SCW ee Yeman masuulka ka ahayd, waxay ku laabteen meelahoodii ay horey masuulka uga ahaayeen waqtigii nolashii Rasuulka SCW, kadib markay galeen dagaallo aad u dhaadheer oo haddaynu is orona aad si faah faahsan uga hadashaan ay runtii inagu dheeraanayaan, markaa intaa ayunbaan kusoo koobeynaa hadduu Alle idmo, oo waxaan usii gudbi doonnaa dhacdooyinkii kalee jihooyinka kale kasocday. Arrintu iyo dagaalladuna sidaa bay u socdeen jeer ay Jasiiraddii Carabta oo idil nadiif noqotay, oo daacaddii iyo Islaamka ay usoo wada noqdeen.

Waxaana caan noqday qowlkii Abuu Bakar Siddiiq uu yiri ka hor intuusan weerraradan qaadin, kaasoo ahaa:- Ma anigoo nool ayay diintu nusqaameysaa??.

Runtii wuu ka runsheegay Abuu Bakar oraahdiisaasi oo waa mid laga wada marag kacay, taariikhduna ay marqaati cad u noqotay.

Badi dagaalladan aanu soo xusnayna waxay dhaceen dhammaadkii sannaddii 11aad ee hijriga illaa horraantii sannaddii 12aad ee hijriyada, waana sida ay culimada mu’arrakhiinta badankoodu qabaan.

SANADKII 12AAD EE HIJRIGA

Sanadkani markii uu bishay, dowladdii Islaamka dhidibidda ayaa loo aasay, muddadii yareydna ee uu Abuu Bakar xilkaasi hayay Jaziiraddii Carabta oo idil waa uu sifeeyay oo ciidamadii Muslimiintu midig iyo bidix bay xaaqeen. Waxuu Abuu Bakar la diriray dadyowgii riddoobay oo ay kamid ahaayeen reer Yamaama, reer Najad iyo Dhuleyxa, reer Yeman, Mahrah, Cummaan, Baxreen iwm. Muddaadii yareydna waxaay Jaziiraddii oo idil u hoggaansameen Islaamka.

Qaar kamid ah Culamaa’i Siirah ayaa waxay qabaan in dagaalkii Yamaama uu dhacay sanadkan 12aad bisha Rabiicul Awal. Qaar kalena waxay yiraahdeen:- Waxuu ahaa dagaalkaas sanadkii ka horeeyay kan ( sanadkii 11aad ee hijriga ) dhammaadkiisa. Waxaase lagu kulmiyaa aqwaashaan sidaynu soo xusnayba in uu dagaalkan billawday dhammaadkii sanadkii 11aad uu dhammaaday billawgii sanadkii 12aad ee hijriga.

Waxaa kaloo la sheegaa in dhacdooyinkii, Cumaan, Mahrah, Baxreyn iyo Yeman ay dhaceen sannadkan 12aad. Waxaanu soo qaadan doonnaa hadduu Alle idmo waxyaabihii sanadkan dhacay oo dhacdooyin iyo mawaaqic ah, arrimihuna sidii hore maaha oo iminku xaaladdu way furfurmatay, oo Jaziiraddii uu idil baa u hoggaansantay dowladdii Islaamka ee uu hoggaanka u hayay Saddiiq Illaahay haka raalli noqdee.

Sanadkan dhexdiisa waxaa la dilay afartii boqor ee loo yaqiinnay Xammad, Maxras, Abdhacah iyo walaashood Al Camarradah. Waxuu kusuganyahay xadiis lagu lacnaday Musnad-ka Iimaam Axmed, waxana dilay Ziyaad Al Ansaari.

Diriddii Khaalid Bin Waliid Ee Dhanka Ciraaq

Markii uu Khaalid ka faaruqay Yamaamah buu Abuu Bakar amray inuu aado dhanka Ciraaq, waxuuna amray inuu ka billaabo Faraj Al Hindah, waxuuna amray inuu Ciraaq ka galo kor, oo dadkuna isu soo duwa oo xagga Alle Cazza wajalla ugu yeero, oo hadday yeelaan waa sidaa sida la rabay, haddii kale waa inay bixiyaan jizyo, haddeys diidaanna taa iyada ah waa inuu la dagaallamo, cidinana uusan ku qasbin raacidda, oo wuxuu amray inuu kaxaysto oo kaliya inta raacda. Waxuu kaloo amray in uusan gargaar weydiisan kuwii riddoobay oo uusan cadawga u kaalmeysan, waxuuna u tilmaamay inuu horey la sii saaxiibo cidkastoo kamid ah madaxda ciidamada Muslimiinta ee uu la kulmo oo uu horey usii kaxeysto intii u suuro gasho.

Intaa kadibna waxuu Abuu Bakar u kacay inuu diyaariyo ciidama kala oo gurmad u noqda Khaalid iyo wardoonna qaas ah inuu sameeyo.

Haddaba waxaa khilaaf ka taagan yahay Khaalid bin Waliid ma toos buu Yamaama uga baxay oo uu Ciraaq sidaa ku aaday, mise Madiina buu tegay oo uu Ciraaq ka aaday?

Culimada qaarkood waxay sheegaan in uu si toos ah Yamaamah uga baxay oo sidaa Ciraaq ku aaday, halka kuwa kalena ay qabaan inuu ku laabtay Madiina , dabeeto uu Madiina ka baxay oo sidaa Ciraaq ku aaday. Waxuuna maray jidka Kuufa ee maanta oo sidaa ku dhaqaaqay jeer uu gaaray Xiirah.

Ibnu Kathiir isagu waxuu rajaxi in uu Khaalid Madiina ku laaban oo si toos ah uu u baxay kadib markuu Yamaamah ka faaruqay.

Maxamed bin Isxaaq isagu waxuu qabaa in uu Khaalid ka baxay Yamaamah kadib markuu Abuu Bakar warqad usoo diray oo uu ku amray inuu Ciraaq aado. Markaa buu Khaalid dhaqaaqay oo sii maray labo qaryo oo la kala oran jiray Baanuqiyaa iyo Baaruusimaa, waxaana masuul ka ahaa nin la oran jiray jaabaan, dabeetana Khaalid wuu la heshiiyey sida uu Ibnu Isxaaq qabo.

Waxaa kaloo iyana la sheegaa in heshiiska ka hor ay Muslimiintii ka laayeen cadawga tiro badan, kadib bay dalbadeen inay jizyo bixiyaan oo ay heshiis dalbadeen, waxaana lagula heshiiyey qiima 1000 Dirham ama Diinaar sanadkan. Waxuuna ahaa ninkii Khaalid ka guntay heshiiskaa Busbahri bin Saluubaa. Kadib Khaalid waxuu u qoray warqad dadkii meeshaa ku sugnaa, kadibna horey ayuu usii socday illaa uu degay Xiirah, dabeetana waxaa kusoo baxay dadkeedii madaxyaweynta ahaa oo la socdaan Qabiissah bin Iyaas bin Xabbah Al Dhayi oo markaa masuul uga ahaa boqorkii Furus ee Kisraa kadib xukunkii Nucmaan bin Al Mundir.

Khaalid bin Waliid waxuu ugu yeeray xagga Alle oo waxuu ku yiri:- Waxaan idinkugu yeeri xagga Allaah iyo Islaamka. Haddaad yeeshaan markaa waxaad kamid noqoneysaan Muslimiinta, oo waxaad leedahiin waxa ay iyagu leeyahiin, waxaana dushiina ahaaday waxa iyagu dushooda ah, haddaad diidaan, waa inaad bixisaan jizyo, haddaad jizyadu diidaanna xaqiiqdii waxaan idiinla imid qowm ugu dadaali og geerida sida aad idinku noolasha ugu dadaashaan. Waan idiinla dirireynaa oo aan idiinla jihaadeynaa jeer uu Alle nakala xukmiyo dhexdeenna iyo dhexdiinna.

Qabiissah baa waxuu yiri:- Wax dan oo aan ka leennahay ma jirto la dagaallankiina ee waxaanu bixineynaa jizyo, waxaana ku baaqi noqoneynaa diintayada.

Dabeeto halkaa waxuu Khaalid kula heshiiyey qiima 90 000 oo Dirham. Werin kalana waxaay sheegi in uu kula heshiiyey 100 000 Dirham. Waxayna taasi ahayd heshiiskii ugu horreeyay ee uu Khaalid Ciraaq kula galo. Kadibna waxaa hantidaaso iyo kuwii ka horreeyay ee uu Khaalid kula heshiiyey tuulooyinkii ka horreyayba loo diray magaalladii Madiina.

Khaalid bin Waliid waxuu intaa kadib warqad u diray madaxyaweyntii Furus iyo wasiiradoodii ku sugnaa magaalladii Al Madaa’in. Waana kan naskeedi :

Ka: Khaalid bin Al Waliid

Ku: Waziirada reer Furus.

Nabadi ha ahaato dusheeda ciddii raacdo hanuunka, intaa dabadeed, waxaa mahad iska leh Allaah, kaasoo tegsiiyey jameecadiinnii, boqortooyadiinniina soo dhiibay ( oo soo gacan geliyey ), dhagartiinniina daciifiyey. Kii tukada salaaddayada oo qaabila qibladdayada oo cuna gowracayaga, waa uun kaas Muslimkii lahaa waxa aanu innagu leennahay, oo ay dushiisu ahaatay waxa dushayada ahaaday.

Intaa kadib.

Hadday idiin timaaddo warqadeyda, iisoo dira rahamad oo igana gunta heshiis. Haddaydaan sidaa sameyn Kii ( Allaah ) baan ku dhaartaye uusanna jirin mid qeyrkiiye waxaan xaggiina usoo diri doonaa qowm u jecel geerida sida aad idinku noolasha u jeceshahiin.

Markay akhriyeen madaxdii Furus warqaddaasi Khaalid katimid bay la yaabeen oo yaab iyo amakaag darani ay ku beertay.

Dhanka kale sida uu Imaam Seyf bin Cumar qabo, Khaalid waxay is heleen markuu Ciraaq tegay Hurmuz oo kamid ahaa madaxdii Furus dhulkaasi Maraj Hinda masuulka uga ahaa. Waxuu Hurmuz ahaa nin ay ku weyneed diintii Majuusta oo waxuu ahaa nin misna faan iyo isla weyne badan oo qooqaa ah. Waxuu masuul u ahaa khalqi badan oo ku sugnaa agagaarkaas. Haddaba Khaalid markuu u dhawaaday buu Hurmuz warqad u diray, taasoo uu ugu yeerayo xagga Allaah. Hurmuzna warqaddii Khaalid waxuu u diray boqorkii Furus ee Sheyraa bin Kisraa iyo wiilkii boqorka ee Ardasheer bin Sheyraa, Markaasina Hurmuz waxuu aruuriyey ciidamo tiro badan, dabeetana waxuu abbaaray dhanka Kaadhimah oo ah meesha maanta loo yaqaan Kuweyt, labada dhinac ee ciidankiisuna waxaa kala hoggaaminayey oo uu madax uga kala dhigay Qabbaad iyo Aanushajjaan oo ka tirsana qoyska boqortooyada, waxuuna ciidamadiisii badankoodii ku xiray sil silado si aysan u cararin, dabeetana waxuu ku dhaqaaqay dhankii Khaalid si uu uga hor tego isagoo ay la socdaan 18 000 ( 18 kun ) oo ciidamadii Muslimiinta ah, dabeetana waxay degeen meel cadawgu kasokeyso oo aan ahayn dhanka biyaha, ( dhanka biyaha waxaa xigay cadawga ). Markaa buu Muslimiintii oon darani qabtay oo taas waxay uga eed sheegteen amiirkoodii Khaalid bin Waliid. Dabeeta Khaalid waxuu Muslimiintii kubooriyey inay sabraan oo adkeystaan ayna cadawga ka durkistaan biyaha, muddo yar kadibna Allaah baa keenay daruur ay ka wada cabbeen Muslimiintii oo ay weelashoodiina ka dhaansadeen, tanina waxay Muslimiintii u siyaadisay ad adkaan iyo sugnaan oo si aad ah bayna ugu farxeen.

Kadib waxaa is helay labadii qole, oo waxaa ka soo baxay dhanka kufaarta Hurmuz oo dalbanayo Mubaarizo, waxaana u ban baxay halyeeygii weynaa ee Khaalid bin Waliid, waxayna is dhaafsadeen laba darba, waxaase ka shuqliyey Khaalid inuu Hurmuz ka takhaluso qaar kamid ahaa ilaaladiisii, oo iyagu difaacayay amiirkooda, weerarro isdabajoog ahna ku qaadayay dhanka Khaalid, markaa baa iyagiina waxaa meel gees ah uga soo booday halyeeygii weynaa ee Al qacqaac bin Camr At Tamiimi oo si xun u gummaaday, markaa bayna kala firxadeen oo jabeen. Muslimiintii dhan waliba ayay u raacdeysteen cadawga oo ay laynayeen illaa habeenkii, waxayna ka furteen hanti faro badan iyo silsilado aad u badan, halkanna waxaa cadawga looga laayey tiro aad u badan oo ay u badnaayeen kuwii silsiladaha ku xirnaa, kadibna Khaalid waxuu qaybiyey qaniimadii kadib markuu kasaaray khumuskii, waxuuna ku qeybiyey meesha ay maanta tahay buundada weyn ee Basra, kadibna waxuu diray khumuskii qaniimada oo uu u diray dhankii khaliifkii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Sidiiq, waxuuna ugu sii dhiibay nin la oran jiray Zir bin Kuleeyb. Waxaa qaniimadaasi ku jiray maroodi ay aad ula yaabeen dumarkii reer Madiina. Abuu Bakar Sidiiq markii qaniimadii loo geeyay waxuu Zir lasoo celiyey maroodigii. Hantidii Madiina la geeyayna waxaa kamid ahaa 1000 shey oo kamid ahaa noocyadii libbiska ee Hurmuz oo xariir iyo murjaan iyo yaaquut kasameysnaa.

Intaa kadib Khaalid wuxuu jiha waliba midig iyo bidix u diray qaar kamid ah madaxdii ciidankiisa, si ay u go’doomiyaan qalcadooyinka aagaggaas ku yiillay, dhammaanna waala furtay, mid xoog lagu furtay iyo mid heshiis lagu furtayba. Dadkii halkaa deganaa ee qotida ahaydna Khaalid wax dhib ah ma uusan gaarsiin oo waxuu ku darbay inay jisyo bixyaan, sidaa ayuuna kula heshiiyay.

Dagaalkani waxaa loogu magac daray Daatus-salaasil, sababta silsiladihii farada badnaa ee Faarisiintu isku dabreen darteeda.

Dhacdadii Al Madaar (Al Thaniyi)

Kadib waxaa dhacay dhacdadan Al Madaar oo dhacday bishii Safar ee sanadkan (12aad), waxaa kaloo loo yaqiinnay dhacdadii Thaniyi oo ah webi loogu magac daray.

Sababtii dhacdadan waxay ahayd, Hurmuz baa warqad u qoray boqorkii Furus ee waagaa jiray, waxuuna warqaddaa ku ogeysiinayey soo galootiga uu Khaalid dhulka Furus soo galay isagoo kayimid dhanka Yamaama. Haddaba markaa buu boqorkii soo diray ciidan Faarisiin ah oo gurmad ah, kaasoo uu madax uga dhigay nin la oran jiray Qaaran bin Qaryaanus. Ciidankaan ma aysan gaarin Hurmuz, oo waxaa dhacay wixii dhacay ee aan horey usoo xusnay, waxaana la dilay intii la dilay, waxaana cararay intii carari kartay ee ciidamadii Furus. Dabeeto intii baxsatay ayaa waxay ka hor tegeen Qaaran iyo ciidankiisii gurmadka ahaa, waxaana la isku waafaqay in Khaalid loo laabto oo weerar culus lagu qaado. Kadib Qaaran waxuu ciidamadiisii ula weecday dhanka goob la yiraahdo Al Madaar oo uu ku dhisay isagoo dhanka midigta iyo bidixda u kala dhiibay Qabbaad iyo Aanushajjaan. Markii uu warkan gaaray Khaalid bin Waliid baa waxuu qeybiyey qaniimadii Daatus-salaasil, waxuuuna warka gaaray ka hor intuusan qaniimadaasi qeybin, dabeetana waxuu diray khumuskii qaniimada sidaynu horey usoo xusnayba , waxuuna khabarkii guushana usii dhiibay Waliid bin Cuqbah bin Abii Muceydh, isagiina Khaalid iyo ciidankiisii waxay ku dhaqaaqeen dhankii cadawga oo ay is heleen, waxaana dhex maray dagaal qaraar oo faraha la isaga gubtay, markaa baa waxaa soo baxay Qabbaad oo dalbanayo mubaarazo dabeetana waxaa u baxay Khaalid bin Waliid, waxaase uga hor maray laba kamid ah geesiyaashii Muslimiinta oo kala ahaa Macqal bin Al Acshaa bin Al Nabaash iyo Caddiyi bin Xaatim Al Dhaa’iy, Macqal waxuu dilay Qaaran, Caddiyina waxuu dilay Qabbaad, amiirkii saddexaad ee ciidankaa Faarisiintuna (Aanushajjaan) waxaa dilay Caasim bin Camr At Tamiimi (Al qacqaac walaalkiis) oo kamid ahaa halyeeyadii Muslimiinta. Kadib Faarisiintii way jabeen, Muslimiintiina dhan walibay u raacdeysteen , waxaana maalintaa laga dilay Faarisiinta tiro 30 000 (Soddon kun) ah, in kaloo badanna wabigii ayay ku hafteen, halkaana waxay Muslimiintii ka heleen qaniimo tiro badan iyo hub aad u fara badan, Khaalidna waxuu ciidankiisii amray in la aruuriyo hubka dadkii la dilay ee cadawga.

Waxuu Khaalid kusii sugnaaday goobta Al Madaar oo uu aruurinayey hubkii Majuusta, markiina uu ka faaruqay baa waxuu qaybiyey qaniimadii meeshaa laga helay, qotidii meeshaa daganeydna waxuu kula heshiiyay jizyo, dabeetana Khumuskii iyo bishaaradii guusha baa waxuu u dhiibay Sacad bin Nucmaan Al Qurashi Al Cadawiyu si uu ugu geeyo Khaliifkii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq. Waxaa ku jiray qaniimadaas dad la soo qafaashay, waxaana dadkani kamid ahaa Xabiib (ama Yazaar) oo ahaa Xassan Al Basri aabahiis, Maanifah mowlaa Cuthmaan bin Cafaan iyo Abuu Ziyaad mowlaa Muqiirah bin Shucbah.

Khaalid waxuu u xilsaaray aruurinta jizyada Suweyd bin Muqarrin Al Muzanni, muddo ayuuna halkaa kusugnaa oo uu doon doonayey warka cadawga.

Dhacdadii Al Walijjah

Kadib waxaa dhacday dhacdadan Al Walijjah oo iyana dhacday isla bishan Safar sida uu xusay Ibnu Jariir. Sababtuna waxay ahayd markii uu gaaray warka dhacdadii Madaar kahoreysay iyo Qaarraan boqorkii Furus baa waxuu soo diray ciidan gurmad ah oo uu amiir uga dhigay nin kamid ahaa halyeeyadii Furus oo la oran jiray Al Andarzaghar. Ninkan Andarzaghar waxuu ku dhashay magaallada Madaa’in ee xaruntii boqortooyadii Furus oo uuna ku barbaaray, waxuu ahaa nin magac ku lahaa Furus dhexdeeda. Dabeeta waxuu lasoo dhaqaaqay ciidankiisii, boqorkii Furusna waxuu soo diray ciidan kaloo gurmad ah oo uu hoggaaminayey nin la oran jiray Bahman Jaadaweyhi, dabeeta way is raaceen oo waxay abbaareen dhanka goob la yiraahdo Al Walijjah. Khaalid bin Waliid baa maqlay warkooda dabeetana la dhaqaaqay intii lasocotay ee ciidankiisa, waxuuna u dardaarmay kuwii uu meeshaa uga tegay inay digtooni muujiyaan oo mar waliba ay qaflahooda yareeyaan, ayna badiyaan wardoonnadooda.

Labada koox waxay isku heleen goobta Al Walijjah , waxaana dhex maray dagaal ka daran kuwii ka horeeyay oo socday jeer labada dhinacba ay u maleeyeen in uu ka dhammaaday sabarkii, markii damba buu Alle nasri iyo guul usoo dejiyey ciidamadiisii , waxaana jabay safafkii cajamta reer Furus, Andarzaghar-na goobta dagaalka ayuu ka rooray oo dhexda ayuu oon ugu bakhtiyey. Halkan waxay Muslimiintii ka heleen qaniimo fara bada , Khaalidna intuu khumuskii ka saaray buu Muslimiintii u qeybiyey, kadibna Khumuskii waxuu u diray dhankii Madiina iyo Khaliifkii Rasuulka SCW.

Waxaa la sheegaa in dhacdadaan uu Khaalid usoo ban baxay mubaarazo ahaan nin u dhigma Faarisiinta dhexdooda 1000 nin , markaa buu Khaalidna si fudud uga tallaabsaday gaalkaa majuusiga ah.

Halkaas waxuu Khaalid Muslimiintii ugu jeediyey khudbo cajiib ah oo uu ku xasuusiyey nimcada Allaah iyo in dhulkoodii ay ka fogyahiin oo Alle guulo iyo nasri is daba joog ahna u sababay inay helaan. Waxuuna u dar daarmay wanaagga oo ka reebay xumaha.

Dhacdadii Uleys

Kadib waxaa dhacday dhacdadan Uleys oo dhacday bishii Safar ee isla sanadkan 12aad ee Hijriyada, waxayna ahayd sababteeda in Khaalid bin Waliid uu laayey maalintii Walijjah in badan oo kamid ah banii Bakar bin Waa’il oo Carabtii Nasaareyda ahayd. Markaa bay cashiiradoodii isku tegeen oo shir u fadhiisteen, koodii ugu dhaqdhaaq weynaa arrinkaasina waxuu ahaa nin la oran jiray Cabdu bin Al Aswad Al Bujali, kaasoo wiil uu dhalay lagu dilay dhacdadii hore. Markaasay warqad u qorteen Cajamtii reer Furus ee ay tabaca u ahaayeen, boqorkii Ardaasheerna waxuu usoo diray ciidan culus, waxayna labadaa qola ( yacni Cajamta iyo Carabtii Nasaareyda ) ay ku kulmeen goob la yiraahdo Uleys.

Goor ay u diyaar garoowayeen cunidda cunta, ayaa waxaa ciidamadiisii kusoo qafleeyay Khaalid bin Waliid, markaasey intoodii badneyd tilmaameen in cunnada la cuno, waxaase hadlay amiirkii ciidamada Cajamta oo ku taliyey in loo kaco ciidanka Khaalid ee aan loo fadhin cunidda raashiinka, hase ahaatee dhaq jalaq uma aysan siin ee waxay wateen howshoodii u diyaar garowga cuntada ahayd.

Markaa buu Khaalid bin Al Waliid ciidankiisii la soo degay hortooda, oo isagiina inta ciidankii kasoo dhex baxay ayuu dhankii cadawga u dhaqaaqay isagoo ku qaylinaya cod aad u dheer oo u yeeraya geesiyaashii Carabta ee halkaa joogtay isagoo oranaya:- Aaway hebal! Aaway hebal! ?

Mid kamid ahi uma uusan soo bixin oo dib ayay u wada laabteen, waxaana markaa ka soo dhex baxay nin la oran jiray Maalik bin Qeys Al judri mubaarizo ahaan, markaasuu Khaalid ku yiri ninkaas:- Yaa ibnu Khabiithah! (Waar ina Quranloow!), maxaa dhexdooda kaasoo saaray adigoon waxba iga tareyn? Dabeetana waa uu dilay.

Markaas bay Cajamtii ka kala boodeen raashiinkii oo ay hubkii ku ordeen, waxaana halkaa ku dhex maray dagaal aad iyo aad u daran, Mushrikiintuna waxaa isaga soo daba dhacayey gurmad kaga imanayey dhanka boqorkooda, waxaynta taasi u siyaadineysay ad adkaan iyo in ay dagaalka horey ugu sii socdaan, Muslimiintiina waxay maalintaa muujiyeen adkeysi, oo waxay sabreen sabar aad u xeelad dheer. Goor uu dagaalku meeshii ugu kharaareed marayo ayuu Khaalid Rabbigii baryay oo yiri:- Allahayoow! haddii aad guusha naga siiso kuwan, waxaa igu ballan ah inuusan midkooda aan awood u helo inaan qabto uusan iga fakan jeer webigooda uu isku beddelo licayga dhiiggooda”. Dabadeed Alle baa ciidankiisii u gargaaray oo cadawgooda ka siiyey guushii, markaasuu Khaalid ciidankii amar ku siiyey in la qabqabto qafaal ahaan oo aanan la dilin midkii isagu diido mooyaan in la qafaasho, kaas waxuu amray in unuunka loo dheereeyo.

Dabadeed fardooleydii Muslimiinta baa jiha walba u baxday oo cadawgii daba dhigatay, waxayna soo qab qabanayeen cadawga oo koox koox ah, waxaana la iskugu aruurinayey webiga jinkiisa, oo Khaalidna waxuu u xilsaaray rag qawjad ah inay webiga dushiisa ugu xiiraan xayntii walibo ee lasoo qabto, markaasaa kurka loogu jarayay webiga dushiisa midkasta ama koox kastoo lasoo qabta, sidaa baana lagu waday habeen iyo maalin iyo maalin iyo habeenkeedii kale oo qoorta looga wada gooynayey mid kastoo lasoo qabtaba, illaa uu webigii la socon waayey dhiiggoodii dartii, heer markii dambe ay madaxdii ciidanka Muslimiinta yiraahdeen:- Webi waxuu la dhaqaaqi waayey dhiiggooda dartii”. Khaalid bin Waliid Alle waa uu u baarrinnimo falay oo dhaartiisiina waa uu guday. Sidaa ayaana webigii loogu baxshay Nahru-dammi, magacaas oo illaa maantadan loo yaqaan.

Waxaa la sheegaa dadkii uu Khaalid dagaalkan ku laayey inay tiradoodu ahayd 70 000 (toddobaatan kun), waxaana la sheegaa markay jabeen cadawga oo ay soo gaddoomeen ciidanka Muslimiinta intoodii soo gaddoontay ayuu Khaalid iskugu yeeray cunnida cuntadii ay horey u dhigteen cadawga goor casho ah, markaasay cuneen casho ahaan.

Waxaa la sheegaa in dhammaan dadkii lagu dilay dhacdadaan Uleys ay kasoo jeedeen deegaan la yiraahdo Alamqiishiya, markaasuu Khaalid xaggeedii u jalleecay oo amray in la kharaabiyo, waxayna halkaa Muslimiintii ka heleen qaniimo aad u tiro badan, waxuuna helay ninkii faras watey marka laga reebo waxii dheeriga ahaa ee loogu daray 1500. Kadib Khaalid waxuu diray khumuskii qaniimada iyo dadkii lasoo qafaashay oo uu udiray dhankii Madiina iyo khaliifkii Rasuulka SCW, waxuuna u dhiibay nin la oran jiray Jundal Al Cajali oo daliil dal aqoon ahaa.

Markii uu ninkaan gutey amaanadii loo dhiibay oo siday aheed uu farta uga saaray Abuu Bakar, buu Abuu Bakar aad ula yaabay sida qiimaha badan ee uu u gutay dhambaalkii loosoo dhiibay, markaasuu ku daray gabar kamid ah dadkii qafaalka.

Goortaa buu Abuu Bakar Sidiiq yiri:- Kulanka Qureesheedeey! libaaxiinnii (Khaalid aabahiis) wuxuu soo saaray libaax, haweeneyna waa ay ka caajistay dhalidda Khaalid bin Waliid oo kale. Abuu Bakar Sidiiq run buu sheegay, oo xaqiiqdii dumarkii waa ay ka caajiseen inay dhalaan Khaalid bin Waliid oo kale, waxuu ahaa halyeey aanan seexan oona la seexin, waxuu ahaa mid gacan adag ku qabta cadawga Alle iyo diintiisa la colleytamay, saa mar waliboo Khaalid uu arko cadawga waxaan sugnaan iyo farxad iyo rayn rayn ahayn ma u siyaadineyn. Waxuu Khaalid ahaa seyf kamid ah seefaha Allaah ee uu ku xasuuqa acdaadiisa. Waa mid runtii Alle u abuuray inuu Muslimiinta iyo Islaamkuba uu ku cizeeyo, halka Mushrikiinta iyo Munaafiqiintuna uu bowdaha kaga jabiyey, mar waliboo uu cadawgu maqlo magaca Khaalidna rucbi iyo argagax ayaa ku dhici jiray.

Kadib Khaalid wuu laabtay oo waxuu degay Al Khawarnaq, As-Sadayir iyo An Najaf oo ahaa Qasriyo ku yiilley Xiirah, waxuuna jiha waliba u diray sirriyaad si ay u go’doomiyaan qalcadaha Xiirah.

Culimaayi taariikh qaarkood waxay yiraahdaan:- Markaa buu Khaalid furtay Xiirah.

Waxayna tilmaamaan in qalcadahii Xiirah qaarkood xoog lagu furtay qaarna heshiis.

Waqtigaa iyada ah ee uu Khaalid la heshiinayey reer Xiiraa ayuu mar la kulmay Ibnu Bukheylah (Camr bin Cabdumasiix bin Bukheylah) oo markaa kiish yar gacanta ku sitay. Khaalid baa weydiiyey:- Waa maxay waxa kan?

Waxuu Ibnu Bukheylah yiri:- Waa sunta halista ah (ee wax ku disho muddo aad u yar).

Markaasuu Khaalid yiri:- Oo maxaad u sidataa?

Waxuu yiri:- Markii aan arkay waxa dhacay oo qoomkeyga asiibay ayaan jecleystay inaan cabo si aan u dhinto taas ayaanna door biday:- . Saa Khaalid intuu ka qaaday oo eegay buu yiri:- Nafi ma dhimato illaa uu waqtigeedu yimaado mooyaane. Kadibna waxuu yiri:- Bismillaah. Ku billaabid magaca Allaah, magacyo kuwa ugu kheyr badan leh, Rabbiga dhulka iyo samada, kan shey wax dhibaayi aysan waxba dhibin lajirka magaciisa, Naxariis guud iyo mid gaarba Naxariista. Markaas baa waxaa kusoo kala diday madaxdii ciidanka Muslimiinta si ay uga celiyaan, hase ahaatee waa uu uga hor maray oo qurquriyey suntii.

Ibnu Bukheylah markii uu arrintaa arkay waxuu yiri:- Kulanka Carbeedeey! Illaah baan ku dhaartaye waxaad mulkin doontaan wax walibood doontaan intuu midi idinka noolyahay. Kadib waxay dadkii halkaasi degenaa dalbadeen heshiis, Khaalidna waa uu ka yeelay oo waxuu kula heshiiyey inay bixiyaan 400 000 oo Dirham oo hor maris ah. Waxuuna u qoray warqad nabad gelin ah.

Khaalid muusan taam yeelin heshiiska jeer ay marka hore soo gacan geliyaan Kiraamah bint Cabdul Masiix bin Bukheylah, oo ay siiyaan nin saxaabada kamid ah oo la oran jiray Shuweyl. Sababtuna waxay ahayd mar uu Rasuulka SCW xusay qasriyada Xiira ayuu Shuweyl yiri:- Rasuulkii Alloow! isii gabadha Ibnu Bukheylah? Rasuulka SCW waxuu yiri:- Adigaa leh.

Markii la furtay Xiirah ayuu Shuweyl sheegtay gabadhaasi, waxaana uga marag kacay laba kamid ah saxaabada. Markii uu Khaalid ka dalbaday inay soo gacan geliyaan Kiraamah waa ay diideen, Khaalidna waa uu ka diiday inuu heshiiska la galo. Markaa bay Kiraamah tolkeed ku tiri:- Bal isii daayo aan u tego’e kolleey waan isasoo furan doonaaye. Markii ay u daayeen inay u tego, oo ay iyadiina utegay ayay ku tiri:- Oo maxaad ku faleysa haweeneyn 80 jir ah, anigu waan is furanayaaye bal wax sheego?

Waxuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye inaadan isku furaneyn wax ka yar toban boqol (yacni kun).

Waxay muujisay inay tiradaasi tahay mid culus iyadoo u dagaysa xeelad qota dheer, markaasay ka tegtay oo tolkeedii aadday, waxayna u sheegtay qiimahii ay kula soo heshiisay inay isku furato, iyagiina waxay u aruuriyeen ama u diyaariyeen 1000 Dirham.

Muslimiintii baa Shuweyl ku canaanatay arrintaa oo ku yiraahdeen:- Haddii aad dooran lahayd tiro ka badan 100 000 Dirham ah, way kusiin lahaayeen gabadha.

Waxuu Shuweyl yiri:- Oo ma waxaa jirto tiro ka badan toban boqol (yacni kun)?

Dabeeta waxuu u tegay Khaalid oo uu ku yiri:- Waxaan sidaa ula jeeday uun waa inay tahay tiro badan oo yacni aan la awoodin in la bixin karo.

Khaalidna waxuu ugu jawaabay:- Waxaad doontay arrin, Allana waxuu doonay arrin kale, waxaan xukmineynaa sida daahirka ah ee qowlkaada ka muuqdo, niyaddaaduna waxay jirtaa xagga Alle oo isagaa ku shaqo leh, run iyo been waxa aad sheegeyso.

Seyf bin Cumar waxuu yiri:- Markii uu Khaalid furtay Xiirah waxuu tukaday siddeed rakaco oo uu hal mar salaama noqsaday.

Halkanna waxaa gabay cajiib ah ka tiriyey Al Qacqaac bin Camr Al Tamiimi, kaasoo uu ku timaamayey guulihii is daba joogga ahaa ee uu Alle Muslimiinta ka siiyey cadawgooda iyo sabarkii ay Muslimiinta muujiyeen dagaalladii is daba yiillay ee ay soo mareen. Waxuu kaloo gabaygiisa ku amaanay amaan aan la soo koobi karin dadkii iyagu kaga shahiiday Muslimiinta dagaalladii riddada.

Intaa kadib waxaa yimid Jariir bin Cabdillaahi Al Bujali, kadib markay dhaceen dhacdooyin badan oo Muslimiintiina ay qaniimeysteen qaniimooyin badan. Imaanshaha Jariir uu yimid Xiirah waxay ahayd kadib markii uu Abuu Bakar xirayey liwaa’ii ama calamadii 11-ka ciidan ee Dilqassaa uu kadirayey ayaa wuxuu Jariir ku daray ciidankii Khaalid bin Saciid bin Al Caas ee bariga Shaam ku wajahnaa. Markii uu Jariir la baxay Khaalid bin Saciid ayuu idin weydiistay inuu Abuu Bakar ku laabto si uu idin uga qaato oo tolkiisa banii Bujeylah aado, oo isku dumo oo hoggaanka u qabto. Khaalid bin Saciid arrintaa waa uu u idmay, Jariirna waxuu yimid magaalladii Madiina oo Abuu Bakar u sheegtay dantiisii. Markaa bay ahayd markii uu Abuu Bakar sida aadka ah uga carooday Jariir uuna ku yiri:- Waxaad u timid inaad iga mashquuliso arrin uu Alle ka raalli noqday oo aad igu mashquuliso waxan aad hadda iila timid? Orodoo aad Khaalid bin Waliid iyo dhanka Ciraaq. Markaa buu Jariir bin Cabdillaahi yimid Xiirah, ka gadaal markii ay dhaceen wixii dhacay oo dhacdooyinkii aan soo xusnay ah, mid kamid ahna kama uusan qayb qaadan Jariir.

Markaasi kadib buu xusay Seyf bin Cumar in uu yimid Ibnu Saluuba, kii aan horey usoo xusnay ee Khaalid kula heshiiyey Baanuuqiyaa iyo Baaruusima. Sida uu Seyf bin Cumar qaba markii uu Jariir yimid kadib ayuu Khaalid kula heshiiyey Baanuuqiya iyo Baarusima iyo waxii soo raacaba in uu Ibnu Saluuba bixiyo 10 000 Diinaar. Wallaahu aclam.

Waqtigan isaga ahi buu ahaa markii ay Faarisiintii ku kaceen boqorkoodii Ardaasheer iyo wiilkiisii Shiiriin oo ay dileen, waxayna laayeen dhammaan wixii ku nasab ahaa, waxaana ka dhex dhacay Furus khilaaf xooggan, islama aysanna garan waxba haba yaraatee, marka laga reebo inay diyaariyaan ciidama kala dhex galo Khaalid iyo Madaa’in, taas (Madaa’in) oo ahayd meeshii ay tiilay hantidii boqortooyada Furus.

Markaa iyada ah bayna tilmaameen culimada qaarkood inay aheyd markii uu Khaalid warqadda u diray madaxdii iyo waziiradii Furus isagoo ugu yeerayo xagga Allaah, iyo inay soo galaan diinta Islaamka.

Waxuuna Khaalid markaasi u ballan qaaday in uu boqortooyadooda u sugi doono haddii ay Islaamka qaataan, oo Alle u hoggaansamaan. Hadday taasi diidaanna waxuu ka dalbay inay jizyo bixiyaan oo ay islaamka ku hoos noolaadaan, hadday tanna diidaan waxuu ka dalbaday inay ogaadaan oo ay digtoonidooda qaataan, waxuuna ogeysiiyey inuu ula iman doona qoom geerida u jecel sida ay iyagu ( Majuusta ) nolashu u jecelyahiin.

Kadib Khaalid waxuu degay Xiirah oo uu marba dhinac ugu duulayey dhulka Furus Muddadii uu halkaa ku sugnaa.

Furashadii Al Ambaar (Daatul Cuyuun)

Goobta Al Ambaar waa magaalo ku tiil dhulka Ciraaq, waxayna ahayd magaalo caan ah oo looga socda meesha ay hadda tahay magaallada Baghdaad qayaastii toban maalin socod ah. Waxay u dhaweyd webiga Furaat, dhanka waqooyina waxaa ka xigtay Baabil, oo waxayna ka fogeyd qiyaastii misaafa 80 mayl ah.

Khaalid bin Waliid baa weerar ku qaaday iyadoo ciidamadiisa hore uu hoggaaminayo Al Aqrac bin Xaabis. Waxaana meeshaasi markaa madax ka ahaa nin kamid ah raggii ugu caqliga badnaa Furus oo la oran jiray Shayrizaad. Markii uu Khaalid gaaray Al Ambaar ayuu dul degay, waxaana magaalada ka dul qodnaa Khandaq (god). Markii ay labadii col isasoo hor fadhiisteen ayuu Khaalid ciidankiisii amray in gamuunada oodda looga qaado, say Muslimiintii sidii faleen oo gamuunadii oodda uga qaadeen, heer halkaas ay cadawgii ku waayeen kun indhood, oo ay ku qayliyeen:- Reer Ambaar indhahoodii tegyeeneey!!. Sidaa baana dhacdadaan loogu baxshay Daatul-Cuyuun.

Sheyrizaad wuxuu usoo cid diray Khaalid isagoo ka dalbanayo inuu la heshiiyo, markiina uu Khaalid ka yeelay heshiiska ayuu Sheyrizaad diiday qaar kamid ahaa qodabbadii heshiiska. Markaa buu Khaalid geel qalay oo khandaqii ku guray, dabeetana ciidamadiisii soo dhaqaajiyey. Markii uu Sheyrizaad arkay arrintaas ayuu dhammaan qodabbadii heshiiska u qoor keenay oo wada aqbalay. Waxuuna Khaalid kula heshiiyey kabixid in Sheyrizaad uu ka baxo Ambaar, isagiina waa uu yeelay. Halkaasi waxay Muslimiintii ka heleen guul iyo nasri oo maal badanna Alle kasiiyey. Khaalidna waxuu kusii nagaaday Al Ambaar isagoo dadkii hareeraha Ambaarna heshiis la wada galay, waxuuna la heshiiyey ahlu Al-Bawaariij iyo Kalwaadi . Muslimiintiina Carabtii halka daganeyd ayay wax qoridda ka barteen muddadii ay halkaas ku sugnaayeen, waxayna ahaayeen Carabtaas banii Iyaad oo iyagu dhulkaas ilbaxnimo fog kulahaa, kuwaasoo waxqoridda bartay waqtigii boqorkii Bukhtun-Nassar la oran jiray uu xukumayey dhulkii Beershiya. Kadib buu Khaalid magaalladii Ambaar madax uga dhigay Zabarqaan bin Bader, isagiina waxuu aaday dhanka Caynu Tamar.

Dhacdadiii Caynu Tamar

Markii uu Khaalid ka faaruqay Al Ambaar, ayaa waxuu madax uga dhigay Zabarqaan bin Bader, isagii iyo ciidankiisiina waxay ku sii duuleen Caynu Tamar. Waxay Caynu Tamar ahayd mid leh qalcad weyn, waxayna dhanka galbeed kaga tiillay meel saddex casho looga socdo.xuduudda Jaziiradda. Waxaana madax ka ahaa markaasi nin la oran jiray Mihraan bin Bahraan oo Majuusta Furus hoggaaminayey, waxaana hareeraha magaalada deganaa Carabtii tabaca u ahayd Furus oo ay kamid ahaayeen qolooyinka reer Nimar, reer Taqlab iyo reer Iyaad iyo weliba kuwa kaloo qeyrkooda ah. Waxaa Carabtaasi madax u ahaa nin la oran jiray Caqah bin Abii Caqah.

Markii uu Caqah gaaray warka ah soo galootiga Khaalid iyo ciidamadiisa ay soo galeen geyiga, ayuu u tegay Mihraan bin Bahraan oo uu ku yiri:- Carabta ayaa u ogaal badan la dagaalanka Carabtuye, isku kaayo daa innaga iyo Khaalid.

Mihraan bin Bahraan oo isagu ku farxay weedhii Caqah iyo fikraddii uu usoo jeediyey, ayaa jawaab ahaana wuxuu yiri:- Waa runtaa oo Carabtu uun baa u ogaal badan ladagaalanka Carabta. Misna waxuu yiri isagoo qadcaya:- Haddii aad inoo baahataanse waanu idiin gargaareynaa oo lajirkiina baanu nahay. Faarisiintii ayaa arrintaasi amiirkoodii kaga carootay oo ku canaanatay, waxuuse ugu Mihraan ugu jawaabay:- War hooyda! isku daayo iyaga iyo Khaalid, oo haddii ay idinkaga haggaagaan, idinka ayaa leh guusha oo waa tiinnii, haddayse sidaa si aan ahayn dhacdo (yacni ay adkaadaan ciidanka Khaalid), markaa waanu la dagaallameynaa innagoo awood leh iyo iyagoo daciifay. Cajamtii aad bay ugu farxeen hadalkii amiirkoodii Mihraan, waxayna u garowsadeen inuu yahay koodii ugu ra’yiga toosnaa oo ugu caqliga badnaa.

Khaalid bin Waliid horey ayuu u socday oo wuxuu hor degay ciidankii Caqah bin Abii Caqah. Markiina ay labadii ciidan isasoo hor degeen, buu Khaalid u dardaarmay ciidamadiisii labada dhinac, waxuuna u sheegay inuu weerar qaadayo oo waxuuna ka dalbaday inay iyago dhankooda ilaaliyaan. Waxuuna kaxaystay koox halyeeyo ah oo uu markaa weerar ku qaaday Caqah oo markaa simayey safadka ciidamadiisii, wuuna soo qafaashay. Carabtii markii ay arkeen waxa dhacay iyo in amiirkoodii la qafaashay ayay jaanta rogteen oo ay kala firxadeen iyadoo wax dagaal ahi uusanna dhicin, waxaana batay qafaalkoodii.

Markii uu warkii jabka ee Caqah iyo ciidankiisii gaaray amiirkii ciidanka Furus ee Mihraan, ayaa inta uu qalcaddii kasoo degay buu cararay. Intii carartay ee Carabtii ciidanka Caqah baa iyaguna dib usoo noqday oo qalcaddii isku aruuriyay oo dabeeta hoos ka xidheen. Markaa buu Khaalid soo dul degay oo go’doomin tii ugu darreyd ku qabtay. Markii ay arrintaa arkeen oo ay u adkeysan waayeen ayay Khaalid ka dalbadeen heshiis, isagiina waxuu u sheegay inay marka hore u qoor keenaan xukunkiisa. Markaa bay u qoor keeneen xukunkii Khaalid, oo sil silado lagu xiray, dabeetana waxuu Khaalid amray in Caqah kurka laga jaro, saa laga jaray, misna waxuu amray in dhammaan qafaalkii ciidankii Caqah la laayo, saa iyagiina waala laayey, haddana waxuu amray in kuwii qalcadda ee xukunkiisa u qoor keenayna la laayo, iyagiina saaxiibadoodii ayaa la raaciyey oo unuunka ayaa loo wada dheereeyay. Waxuu qaniimeystay Khaalid hantidii halkaa qalcadda ah tiilley oo idil. Kadib Khaalid waxuu aaday kaniisad halkaa ku tiillay oo ay 40 wiil ku baranayeen kitaabka Injiil-ka, iyagoo albaabka hoosta uga xiran yahay, dabeetana albaabkii ayuu ku jebiyey oo soo wada qafaashay. Waxaana kamid ahaa wiilashaasi Ximraan mowlaa Cuthmaan bin Cafaan iyo Siiriin mowlaa Anas bin Maalik (iimaamka weyn ee Maxammed ibnu Siiriin aabahiis), iyo kuwa badan oo kamid ah culimada mash-huurka ah.

Khaalid bin Waliid waxuu diray khumuskii qaniimada isagoo u dhiibay Al Waliid bin Cuqbah si uu ugu geeyo khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq. Markii uu Al Waliid howshiisii gutay ayuu Abuu Bakar u diray dhanka Ciyaad bin Qanam oo kusugnaa Duumatul-jandal si uu ugu gurmado. Markii uu Al Waliid u tegay Cayaad baa waxuu Cayaad yiri:- Waliidoow! ra’yiga barkiis waxuu ka wanaagsanyahay ciidan badan, ee maxaad adigu ra’yi ka qabtaa xaaladda aan kusugannahay?

Waxuu yiri Al Waliid:- U qor warqad dhanka Khaalid bin Waliid si uu gurmad xaggiisa kaaga soo diro. Markaa buu Cayaad warqad u diray dhankii Khaalid bin Waliid uu kaga dalbanayo gurmad, waxayna warqaddaa utegtay Khaalid waqti uu ku jiray howshii Caynu-Tamar. Saa isagiina waxuu usoo qoray warqad jawaab ah oo uu ku leeyahay u kaadi wax yar, waxaa kuso gaari doona ciidan gurmad ahe.

Dhacdadii Duumatul- Jundal

Duumatul-Jundal waxay ahayd magaalo ku tiilay koonfurta Shaam iyo waqooyiga jasiirada Carabta, waxayna u dhaweyd Tabuuk. Magaalada Madiina waxaa Duumatul-Jundal looga soconayay 15 casho, halka Dimishiqna ay u jirta toban maalin socod ah.

Abuu Bakar baa horey ugu diray ciidamo uu hoggaaminayo Cayaad bin Qanam, dhankeeda waqooyina waxuu u diray Khaalid bin Waliid oo isagu usii gudbay Xiirah markii uu usocday dhanka Ciraaq. Haddaba markii uu Khaalid furtay Al Ambaar iyo Caynu Tamar ayuu guushii iyo khumuskii qaniimada la diray Al Waliid bin Cuqbah si uu Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar ugu geeyo. Markiina uu howshii soo gutay Waliid buu Abuu Bakar u diray dhanka Cayaad iyo Duumatul-Jundal si gurmad ahaan. Intaa kadib waata uu Cayaad la tashtay Al Waliid, oo Waliidna uu ku taliyey in uu warqad Khaalid u qoro uu kaga gurmad dalban, markaas waatii uu Cayaad warqadda u diray Khaalid, warqaddaana waxay Khaalid gaartay bartamiha dhacdadii Caynu-Tamar, markaa waatii uu Khaalid amray Cayaad inuu uyara kaadiyo tan iyo intuu kasoo gaari doono goor aan sii fogeyn.

Intaa dabadeed Allaah Sarreeye baa nasri iyo guul ka siiyey ciidamadii Muslimiinta goobtii Caynu-Tamar oo Khaalid waata uu furtay, kana helay qaniimo tiro badan. Markaa ayuu Caynu-Tamar ku dhaafay Cuweymir bin Kaahin Al Aslami madax ahaan, isagii iyo ciidankiisiina waxay abbaareen dhankii Duumatul-Jundal iyo ciidamadii Cayaad. Reer Duumatul-Jundal markii ay ka war heleen soo galootiga Khaalid iyo ciidamadiisa ayay u cid dirsadeen axsaabtoodii ay xulufada ahaayeen oo ay kamid ahaayeen banii Bahraa’i, Tanuukh, Kalbi, Ghazaan iyo Dhujaacim si ay ugu gurmadaan, iyagiina waa ay yeeleen. Ghazaan iyo Tanuukh maalintaa waxaa hoggaaminayey Jablah Ibnu Al ayham, Dhajaacim-na waxaa hoggaaminayey Ibnu Xadrajaan. Reer Duumatul-Jundal-na waxaa markaasi madax u ahaa labo nin oo midi uu ahaa Ukeydar bin C/malik, halka kan kalena uu ahaa Juudi bin Rabiica. Labadan nin waxaa ka dhex aloolsanaa khilaaf ku aaddan la dagaallanka ciidanka Khaalid, Ukeydar isagu waxuu qabay in aanan lala dagaallamin Khaalid, waxuuna ku naseexeeyay in lala heshiiyo isagoo ku cataabay inuu dadka kaga ogaal badan yahay Khaalid, Juudise isagu waxuu qabay in lala dagaallamo, wuuna khilaafay ra’yigii Ukeydar. Markaas buu Khaalid diray Caasim bin Camr (oo ahaa halyeey la dhashay Al Qacqaac bin Camr) oo uu u diray dhanka Ukeydar, saa Caasim waa uu soo qabtay qafaal ahaan, waxuuna u keenay Khaalid, dabeetana waxuu amray in qoorta laga jaro.

Kadib waxaa isasoo hor degay labadii qolo, ciidankii Khaalid iyo kuwii reer Duumatul-Jundal oo uu hor kacayo Al Juudi bin Rabiicah. Khaalid tabtiisii dagaal ayu la soo baxay, isagoo Duumatul-Jundal ka dhigay mid isaga iyo ciidamadii Cayaad bin Qanam u dhaxayso, markaa bay reer Duumatul-Jundal ciidankoodii ukala qaybiyeen labo qaybood, qayb waxay u direen dhanka Cayaad, qaybta kalena jihadii Khaalid. Markaa buu Khaalid kuwii jihadiisa ahaa weerar ku qaaday, waxuuna soo qafaashay Juudi bin Rabiicah. Al Aqrac bin Xaabisna waxuu soo qafaashay Wadiicah, markaasay si xun u jabeen ciidankii Mushrikiinta oo u kala rooreen dhanka qalcadda oo isku aruuriyeen, markaasay in badan ka buuxsantahay qalcadda, saa Khaalid baa ka dul yimid oo si daran u laayey intii uu bannaanka qalcadda ka helay. Kadibna waxuu amray in Al Juudi bin Rabiicah kurka laga jaro isaga iyo dhammaan intii lasoo qafaashayba, marka laga reebo qafaalkii banii Kalbi oo ay magan geliyeen Caasim bin Camr iyo Al Aqrac bin Xaabis. Arrintaas magan gelinta ah Khaalid ma uusan u rayaaqin oo raalli kama uusan ahayn, hase ahaatee waxuu ku qaabilay waji caro isagoo ku yiri Caasim iyo Al Aqrac iyo waliba banii Tamiim oo iyagu magan geliyay kuwaas:” Oo maxaa nakala haysto aniga iyo idinka? Ma waxaad dhowreysaan amarkii jaahiliyada oo aad dayacaysaan amarkii Islaamka? Caasim bin Camr baa u jawaabay oo ku yiri:- Oo ma waxaad ka xasdeysaa (Khaalidoow!) inaad iska saamaxdo.

Intaa kadib Khaalid wuu u cafiyey, dabeetana waa uu dhaqaaqay oo waxuu ku gaaf wareegtay albaabkii qalcadda jeer uu markii dambe jabiyey. Markaasuu laayey wixii ku jiray oo dagaallami karay amaba kamid ahaa kuwii soo jabay, waxuuna qafaashay carruurtii iyo dumarkii. Waxaana uu ka qaniimeystay qaniimo tiro badan, halkana waxuu Khaalid ku guursaday gabadh uu dhalay Al Juudi oo uu la aqal galay kadib markay cuddadii udhammaatay. Kadibna waxuu u gaddoomay dhankii magaaladiisii, Al Aqracna waxuu u diray dhankii Al Ambaar, markii uu Khaalid Xiirah galayayna waxuu yimid iyadoo ay dadkii kusoo dhaweeyeen bogaadin iyo tahniyad.

Waxaa la sheegaa dhacdadan Duumatul-Jundal inay dhacday Rajab sanadkii 12-aad ee Hijriyada (Septembar 633 miillaadiyada).

Dhacdooyinkii Xusayid & Muddayix

Markii uu Khaalid ka faaruqay Duumatul-Jundal, waxuu ku yara nagaaday muddo, markaasay Cajamtii Furus iyo Carabtii tabaca u ahayd ay isku aruursadeen la dagaalanka Khaalid iyo inay dhulkooda ka saaraan, waxayna abbaareen dhankii Al Ambaar si ay Az Zabarqaan bin Bader oo Khaalid masuul uga ahaa ay uga saaraan. Markii uu Zabarqaan, warkaasi maqlay buu warqad u diray Al Qacqaac bin Camr oo Xiirah masuul uga ahaa Khaalid. Haddaba markaa ayuu Al Qacqaac diray ciidan uu hoggaaminaya Abuu Leylaa Acbad bin Fadaki As-Sacdi, waxuuna u diray dhanka Al Xusayid, misna waxuu kaloo diray ciidan kale oo uu madax u yahay Curwah bin Abii Jacdah Al Baaruqiyu oo uu u diray dhanka Al Khanaafis. Kadibna waxaa yimid Xiirah ciidankii Khaalid bin Waliid oo ka yimid dhanka Duumatul-Jundal, waxaana markaa ka go’neyd Khaalid inuu weeraro, xaruntii boqortooyadii Furus ee Al Madaa’in oo ay tiillay sariirtii boqorka iyo hantidii guud ee Faaris, waxuuna Khaalid taas u karhay sabab la xidhiidho isagoon wax idan ah ka haysan Khaliifadii Rasuulka Alle SCW ee Abuu Bakar Siddiiq.

Taas baddalkeedii waxuu isku mashquuliyey la dagaallanka Carabtii tabaca u ahayd Furus iyo wixii soo raaco ee majuusta kamid ah. Dabeeta wuxuu Khaalid diray Al Qacqaac bin Camr oo uu madax uga dhigay ciidanka baxay, waxayna ku kulmeen cadawga goob la yiraahdo Al Xusayid. Cajamta Furusna waxaa hoggaaminayey nin la oran jiray Rowzabah, waxaana u soo gurmaday ciidan kale oo uu hoggaaminayey amiir kale oo la oran jiray Zarmihri. Halkaasi waxaa ka dhacay dagaal aad u kulul oo dhex maray ciidamadii Muslimiinta iyo kuwii Mushrikiinta ahaa ee Majuusta, muddo yar kadibna waa ay jabeen kufaartii, oo amiirkoodii Rowzabah-na waxaa gacantiisa ku dilay nin kamid ah Muslimiinta oo la oran jiray Cismah bin C/llaahi Al Dhabyu, Zarmihri-na waxaa dilay halyeeygii weynaa ee Al Qacqaac bin Camr. Muslimiintiina waxay qaniimeysteen qaniimo tiro badan, waxaana cararay intii carari kartay ee ciidamadii Cajamta, waxayna iskugu tegeen goob la yiraahdo Al Khanaafis. Dabeeta waxaa ku baxay Abuu Leylaa Acbad bin Al Fadaki. Markiina ay Mushrikiintu ka war heleen arrinkaasi bayna usii carareen dhanka Al Mudhayix. Markii ay halkaas degeen buu Khaalid ku dhaqaaqay dhankoodii. Goor ay hurdaan buuna soo dooxateeyay oo wada laayey, kama aysanna fakan cidna marka laga reebo qafaalkii mooyaan.

Cadiyi bin Xaatim waxuu yiri:- Dooxeyntani ayaa waxaan ugu nimid nin la oran jiray Xurquus bin Nucmaan An-Nimri oo ay hareerahiisu fadhiyaan wiilashiisii, gabdhihiisii iyo haweeneydiisii isagoo usoo dhigay weel ay ku jirto khamro oo uu ku oranayo:- Cabbo. Iyaguna ay oranayaan:- Ma waxaa jiro qof cabbo (khamro) saacaddan oo kale, iyadoo ay tanina tahay ciidamadii Khaalid oo soo galay? Waxuu ku yiri:- Cabbo cabbid sogootin ah, waayo umaleyn maayo in aad dabadii khamri cabbi doontaane. Markaasay wada cabbeen. Muslimiintii baa markaasi inta ay u yimideen isagii dileen, carruurtiisii iyo dumarkiisiina ay ka qafaasheen.

Dhacdadan waxaa lagu dilay labo nin oo horey u Muslimtay, warqad magan galyo ahna ka haysatay dhanka Khaliifadii Rasuulka Alle SCW ee Abuu Bakar. Midi magaciisa wuxuu ahaa Cabdulcuzza bin Abii Raham bin Qirwaash, waxaa dilay Jariir bin C/llaahi Al Bujali, halka kan kalena la oran jiray Lubeyd bin Jariir. Asaguna waxaa dilay qaar kamid ah ciidamada Muslimiinta, mana aysan ogeyn Muslimiinta arrinkaasi ah Islaannimada labada nin. Markii uu warkaasi gaaray Abuu Bakar Siddiiq wuxuu guday diyadoodii. Cumar bin Al Khadaab baa Abuu Bakar kala hadlay arrinka Khaalid kana codsaday inuu casilo, hase ahaatee Abuu Bakar ma uusan yeelin taas waxuuna yiri:- Sidaa oo kale ayuu la kulmayaa qofkii dhex joogo dhul dagaal. Dhanka kale, wuxuu Abuu Bakar daliishaday xadiis Nebigu SCW laga weriyey, kaasoona caddeynaya in aanay dimmada Alle iyo Rasuulkiisa ku jirin dadka kusugan dhulalka gaalada. Kadib wuxuu Khaalid aruuriyey qaniimadii oo inta khumuskii ka saaray u qaybiyey ciidankii, khumuskiina waxuu u diray magaaladii Madiina iyo dhankii khaliifkii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Illaahay haka raalli noqdee.

Dhacdadii Al Firaadh

Kadib buu Khaalid ku dhaqaaqay dhanka Firaadh, Firaadh waa meel ay ku kulmaan Jaziiradda Carabta, Shaam iyo Ciraaq. Halkaas ayuuna ku sugnaa bishii Ramadaan isagoo af-furan si uu ugu ad adkaado jihaadka iyo howlahii militari ee uu waday. Markii uu Ruumaankii gaaray warka ah in Khaalid uu soo degay cirif u dhaw dhulkooda, ayay taas aad uga murugoodeen, waxayna diyaariyeen ciidan culus iyagoo gurmadna u dirsaday Carabtii Nasaareyda ee tabaca u ahayd oo ay kamid ahaayeen banii Taqlab, Iyaad iyo Nimar oo iyagiina way usoo gurmadeen, kadibna waxay usoo guureen dhankii Khaalid, waxaana kala dhex galay webiga Furaat, markaasay Roomaankii yiraahdeen:- Ama inoosoo gudbo ama aanu idiin soo gudubna? Khaalid oo aad ugu xeel dheeraa arrimaha dagaalka, loogana dambeeyay ayaa waxuu ugu jawaabay:- Mayee idinku inoosoo gudbo. Markaasay usoo gudbeen bishii Dilqacda ee sanadkan 12-aad ee Hijriyada, waxaana dhex maray dagaal aad u kulul, oo muddo kadib Alle ku hoojiyey cadawgii isbahaysitada oo ay jabeen, halkaasoo guul ay kusoo hoyeen ciidamadii Muslimiinta ee uu horkacayey abaanduule Khaalid bin Waliid. (Seyfullaah Al Masluul).

Waxaa macrikadan Ruumaanka iyo tabaciisuba looga laayey 100 000, Khaalidna waxuu kusii nagaaday goobta Firaadh muddo 10 casho ah. Kadibna wuxuu iclaamiyey guurid iyo in loo rarto dhankii Xiirah iyadoo ay shan casho kadhimantahay bishii Dil-Xijjah, waxuuna ciidankiisii hore madax uga dhigay Caasim bin Camr, kuwa dambana waxuu u dhiibay Shajrah bin Al- Acaz. Kadibna waala dhaqaaqay oo waxaa foolka la saaray dhankii Xiirah, isaguna Khaalid waxuu muujistay inuu ciidanka dambe kujiro, markaasuu xayn kamid ah asxaabtiisa intuu la baxay ayuu aaday dhanka Masjidul-Xaraamka, isagoon la ogeyn, waxuuna maray jid uusan waligii horey umarin, muddo yar kadibna waxuu tegay xajkii oo uu soo gutay sanadkan isagoo ay cidina ogeyn marka laga reebo xayntii la socotay ee saxaabada iyo dadkii xajka kula kulmay mooyaan. Kadib Khaalid waa uusoo laabtay oo waxuu ka daba yimid ciidankiisii dambe oo aan weli Xiirah gaarin, mana la dareemin xajiikiisa sanadkan. Abuu Bakarna ma uusan ogaan xajka Khaalid jeer ay u sheegeen dadkii muwaasimta xajka kasoo guddoomay. Markaa buu warqad u diray uu ku canaananayo kategidda uu ciidanka ka tegay isagoon ogeysiinin. Waxuuna ciqaab uga dhigay inuu u dirayo dhanka Shaam oo uu ka wareejinaya Ciraaq.

Waxaa sanadkan (yacnii sanadka 12aad ee Hijriga) uu Abuu Bakar jideeyay in la qora kitaabka Quraanka ah kadib markii ay raggii xufaadda ahaa ay ku shahiideen dagaalladii lagu qaaday dadkii riddoobay, waxaana fikraddaasi lahaa Cumar bin Khaddaab oo isagu kula taliyey Abuu Bakar inuu qoro Quraanka.

Markaa ka horna ma uusan kulmisneen, oo wixii loo baahdo waxaa laga qaadan jiray dadkii qurraada ahaa iyo dadka qaar oo ku qoran jiray warqadaha iyo jaldiyada iyo baalasha geed timreedda iwm, markaa ayaa la qoray, waxaana loo xilsaaray inuu qora Zeyd bin Thaabit Allaha ka raalli noqdee, markii la qorayna waxaa la dhigay gurigii Xafsah bint Cumar.

Isla sanadkan waxaa dadka xajiyey Abuu Bakar Sidiiq sida uu Ibnu Isxaaq soo weriyey, waxuuna magaalada uga tegay Cuthmaan bin Caffaan.

Waxuu yiri Ibnu Isxaaq:- Waxaa ay dadku (Mu’arrakhiintu) sheegaan in uusan Abuu Bakar khilaafadiisii xajinin dadka ee uu u diray muwaasimta Cumar ama C/Raxmaan bin Cowf. (Sidan ayaana xaqiiqda u dhaw).

SANADKII 13AAD EE HIJRIYADA

Markii uu sanadkan bishay, howlahii waa ay fududaadeen, Abuu Bakar-na waxuu go’aansaday inuu diyaariyo ciidamo uu u diro dhanka Shaam. Taasina waxay ahayd markii laga soo laabtay xajka sanadkii 12aad, isagoo ku camal falayo qowla Alle Sarreeye ee ah: kuwa xaqa rummeeyayoow!! la dagaallama kuwa idiin dhaw (oo gaalada ah), hana idin ka helaan ad adkaan, ogaadana inuu Allaah la jiro kuwa dhowrsada. (Suurat Towbah- aayadda 123aad). iyo qowlkiisa SW ee ah: La dagaallama kuwa aan rumeynin Allaah iyo maalinta aakhiro. (Suurat Towbah- aayadda 29aad). Iyo kudayasho uu ku dayanayo Rasuulkii Alle SCW oo isagu horey ugu duullay dhulka Shaam sanadkii 9aad ee Hijriyada, isagoogaaray waqti kuleeyl daran, iyo isagoo ciidan kale u diyaariyey ku duulidda dhulka Shaam, taasoo ahayd ka hor geeridiisii dhowr maalmood, waana ciidankii uu madaxa uga dhigay Usaama bin Zeyd ee uu Abuu Bakar diray. Taa kadib markii uu Abuu Bakar nadiifiyey Jaziiraddii Carabta, ayuu gacantisii midigta u fidiyey dhanka Ciraaq oo waata uu diray Khaalid bin Waliid, sidaa si lamid ayuu jecleystay in uu dhanka Shaamna u diyaariyo ciidamo kale, ugu horreeynna waxuu jideeyay in marka hore ay madaxdii ku kala tegsaneed jaziiradda ay isku yimaadaan, markaa bay yimideen, madaxdii oo ay kamid ahaayeen Camr bin Al Caas oo Dhanka Qudhaaca jiray iyo Al Waliid bin Cuqbah, Khaalid bin Saciid bin Al Caas oo ka yimid Yeman oo uu masuul ka ahaa waqtigii Rasuulka SCW, waxuuna Khaalid Madiina yimid kadib dhimashadii Rasuulka SCW mar laga joog bil, waxaa kaloo yimid kuwa kale oo uu kujiray Cikramah.

Kadib Abuu Bakar waxuu diyaariyey ciidamo si uu ugu diro dhanka Shaam. Taa ka horna waxaan horey usoo xusnay in 11-kii ciidan ee uu Abuu Bakar Dul-qassa kadirayey uu ku jiray Khaalid bin Saciid bin Al Caas oo loo diray dhanka bariga Shaam.

Haddaba markii uu Khaalid bin Saciid ka yimid Yeman, waxuu arrinta Khilaafada u arkayey in uu Cali mudan yahay, markaasuu u tegay Cali iyo Cuthmaan oo uu ku yiri:- Abal Xasanoow! reer Cabdumanafow! ma waxaa la idin kaga adkaaday arrinka? Cali baa markaa ku yiri:- Ma waxaad u aragtay adkaansho ama khilaafo?. Khaalid wuxuu u olaleynayay oo uu rabay in Khilaafada uu mudanyahay Cali. Mar dambase wuu degay kadib markii uu arkay in Cali qudhidiisu uu la mubaayacooday Abuu Bakar oo misna uu la shaqeynayo. Dabeeta markii uu Abuu Bakar dhisayey ciidamadiisa oo uu calankaKhaalid bin Saciid u xirayey ayuu Cumar u sheegay Abuu Bakar hadalladii Khaalid. Waxaa la sheegaa in uu Abuu Bakar Khaalid markaa cazilay oo uu u diray dhanka Teymaa. Waxaa kaloo la yiraahdaa:- Calankii ugu horreeyay ee uu Abuu Bakar u xiraa ciidamadii ku baxay Shaam waxuu ahaa calankii Khaalid bin Saciid bin Al Caas.

Kadib waxuu xiray calanka kale uu uu u dhiibay Yaziid bin Abii Sufyaan, waxuuna ku wajahay dhanka Dimishiq. Markii uu Abuu Bakar dirayey ciidanka Yaziid, waxuu Yaziid saarnaa daabbadiisa Abuu Bakar-na waa uu lugaynayey oo u dardaarmayey, kadibna waa uu kasoo laabtay kadib markuu sagootiyey, waxuuna maray ciidanka Yaziid dariiqa Tabuuk, waxaana la socday jamaahiir kamid ah raggii caanka ahaa oo uu kamid ahaa Suheyl bin Camr Al Caamiri iyo kuwa lamid ah oo rag karmeedyadii reer Makka kamid ah.

Kadib waxuu diray ciidan kale oo uu madax uga dhigay Abuu Cubeydah bin Caamir bin Al Jarraax, waxuuna ku wajjahay dhanka Ximsa, dabeeta Abuu Bakar waa uu la baxay ciidanka Abuu Cubeyda oo sagootiyey isagoo u dardaarmayo, kadibna waa uu ka soo laabtay.

Misna waxuu diray ciidan kale oo uu hoggaaminayo Camr bin Al Caas oo uu ku wajahay dhanka Falastiin. Amiir kastoo kamid ah amiiradaasina waxuu Abuu Bakar amray in uu ciidankiisa mariyo dariiq aan ahayn kan uu ciidanka kale maray isagoo arrintaa uga dayanayo Nebiyullaahi Yacquub CS markii uu ku lahaa wiilashiisa: Waxuu yiri Maandhooyin, ha ka gelina albaab qura, ee ka galo albaabyo kala tegsan, idinkaga tari mahayo xagga Alle waxbo, xukun dhammaantiina waxaa uun leh Allaah, oo isaga ayunbaana talo saaran, isaga uunna ha talo saartaan kuwa talo saarta. (Suurat Yuusuf – aayadda 67aad) .

Al Madaa’ini wuxuu leeyahay: Abuu Bakar Siddiiq waxuu ciidamadan diray horaantii sanadkan.

Maxamed bin Isxaaq-na waxuu ku daray markuu ka hadlayay ciidamadaas in Abuu Bakar uu ka daba diray ciidankii Abuu Cubeyda ciidan kaloo uu hoggaamin Shuraaxbiil bin Xasana. Camar bin Al Caasna uu degay Al Carmaat, goob kamid ah dhulka Shaam.

Ciidankii Yaziidna markii ugu horeysay waxay degeen Bulqaa, ciidankii Shuraaxbiilna dhulka Urdun, ciidamadii Abuu Cubeydana waxay degeen Jaabiyah. Abuu Bakar Sidiiqna waxuu kasoo daba diray ciidamo gurmad ah, waxuuna amray in mid waliba uu ku biiri karo madaxda ciidamada Shaam kii uu doono.

Waxaa la yiraahdaa Abuu Cubeydah waxuu sii maray Bulqaa, oo uu halkaa dadkeedii kula dagaallamay jeer ay markii dambe heshiis la galeen, waxayna ahayd heshiiskii ugu horreeyay ee ka dhaca dhulka Shaam oo ay Muslimiinta la galaan.

Waxaa kaloo la yiraahdaa:- Dagaalkii ugu horeeyay ee ay ciidamadaas kula galaan Ruumaanka dhulka Shaam waxuu ahaa, in ay koox Ruumaan ah ay iskugu tegeen meel la yiraahdo Al Cariyah oo ka tirsan dhulka Falastiin, markaa baa waxaa ku dhaqaaqay sirrayad uu hoggaaminayey Abuu Umaamah Sudday bin Cijlaan Al Baahiliyu oo la dagaallamay, khalqi badanna ka laayey kana soo qaniimeystay qaniimo tiro badan.

Dhacdadan kadibna waxaa dhacday dhaxdadii Maraj As Sufur, oo uu Khaalid bin Saciid bin Al Caas ku shahiiday sida la sheego, waxayse culimada taariikhyahannadu badi qabaan in uusan Khaalid ku shahiidin Maraj As Sufur ee uu ahaa kan ku shahiiday wiil uu dhalay oo la oran jiray Saciid bin Khaalid bin Saciid. Isaguse Khaalid waa uu cararay ilaa uu ka gaaray dhulka Xijaas. Wallaahu Aclam.

Culimo uu kamid yahay Ibnu Jariir Ad-Dabari, waxay qabaan in Khaalid bin Saciid markii uu gaaray dhulka Taymaa, ay halkaas isugu aruureen ciidamada tiro badan oo Ruumaan ah oo ay la jiraan khalqi badan oo kamid ah Carabtii Nasaareyda oo ay kamid yahiin banii Ghiirah, Tanuukh, Lakham, Judaam, banii Kalbi, Suleyx iyo Ghasaan. Markii uu Khaalid kusoo dhawaaday junuuddaas ayay kala tegeen, in badan oo kamid ah ayaana islaamka soo gashay. Markaasuu Khaalid u diray warqad dhankii Abuu Bakar Sidiiq uu xaaladda kula socodsiin, waxii furasho iyo nasri uu Alle meeshaa kusiiyey. Markaa buu Abuu Bakar soo amray in uu horey usocda, waxuuna usoo diray ciidamo gurmad ah oo ay wataan Waliid bin Cuqbah iyo Cikrimah bin Abuu Jahal. Kadib waa uu dhaqaaqay Khaalid, markiina uu kudhawaaday magaalada Ii-liyaa ayuu halkaas kula kulmay ciidamo Ruumaan ah oo uu hoggaaminayo nin la oran jiray Maahaan, kadibna waxaa dhex maray dagaal lagu jebiyey Maahaan iyo ciidankiisii, Maahaanna waxuu u cararay dhanka Dimishiq. Khaalid bin Saciid kamuusan harine waa uu sii daba raacday, markaasaa waxaa Ruumaankii u yimid gurmad culus oo deg deg ah oo way soo rogaal celiyeen, waxayna soo gaadheen Maraj-Sufur, halkaasoo ay isku heleen, Khaalidna wuu cararay oo ma istaagin jeer uu gaaray Dii-marwah. Maalinta waxaa sugnaaday Cikrimah bin Abii Jahal, in badan oo kamid ah ciidamadii Khaalidna waxay orad ku galeen magaaladii Madiina, Khaalidse isaga iyo qayb kamid ah ciidankiisii waxay degeen Dii-marwah oo waxuu ka xishooday inuu Madiina tego, markaasuu Abuu Bakar amray Shuraaxbil bin Xasana oo isagu markii uu soo gaadhay Khaalid oo kusugan goobtii Dii-marwah ka kaxaystay qayb kamid ah ciidamadii lasoojabsatay. Dabeeto Abuu Bakar waxuu diyaariyey kuwii soo jabsaday ee Madiina yimid iyo ciidamo kale oo iskudhaf ah, waxuuna madax uga dhigay Mucaawiyah bin Abuu Sufyan oo waxuuna kadaba diray walaalkiis Yaziid. Markii uu Mucaawiyah soo gaaray goobta Dii-marwah ayuu isaguna kaxaystay qaybtii ka hadhay ciidankii Khaalid ee kula sugneyd meeshaa. Kadib Abuu Bakar Sidiiq waxuu amray inuu Khaalid yimaado magaalada Madiina, waxuuna oran jiray: Cumar baa Khaalid iiga ogaal badan”. Waxaa kaloo la sheegaa inuu yiri:” Cumar baa ragga iiga ogaal badan”. Wallaahu aclam.

Dagaalkii Yarmuuk

Dhacdadan Yarmuuk waxay ahayd mid aad u weyn oo ka dhacday dhulka Shaam. Waxaana ay dhex martay ciidamadii Muslimiinta oo uu hoggaaminayo Khaalid bin Waliid iyo kuwii Ruumaanka.

Sida ay qabaan Sayf bin Cumar iyo Ibnu Jariir, dhacdadani waxay dhacday sanadkan dhexdiisa, yacni sanadka 13aad ee hijriyada.

Markii ciidamadii uu Abuu Bakar dhulka Shaam u diray ay gaareen carrigaasi, bay Ruumaankii aad uga argagaxeen oo ay si daran uga naxeen. Waxay markaasi warqad u qorteen boqorkoodii Hiriqal oo markaas kusugnaa Ximsa. Waxaa kaloo layiraahdaa sanadkan buu usoo xajiyey Beytul maqdis. Markii uu khabarkii gaaray buu dadkiisii ku yiri:- Kuwani Illaah baan kudhaartaye waa ahlu diin cusub, mana jirto cid hor istaagi karto ee i adeeca oo kula heshiiya inaad uga baxdaan dhulka Shaam nuskiisa oo ay markaa idiin soo harto buuraha Ruum. Haddaydaan sidaa yeelin oo aad diiddaan waxay idinkala wareegayaan Shaam oo idil, buuraha Ruumna way idinku cidhiidhi gelinayaan. Ruumaanka oo awalba garasho iyo faham yaraa, caqligooduna uu gurracnaa, markii ay maqleen taladii wacneyd ee uu boqorkoodii usoo jeediyey baa waxay uga dideen sida ay dameeruhu uga didaan waxuushta. Waxayna lasoo istaageen dagaal iyo inay is difaacaan. Markaa iyada ah buu boqor Hiriqal isku dayey inuu diyaariyo ciidamo culus oo loo diro dhanka Muslimiinta, waxuuna amray in ciidan kasto loo sameeyo amiir qaas ah oo uu sidaa ugu diro dhanka amiir kasto oo jihada Abuu Bakar ka socdo amiir kale oo jihadiisa kasocda oo ciidamo culus wato. Waxuu dhankii Camr bin Al Caas udiray walaalkiis dhanka hooyo iyo aabo ay ka walaalo ahaayeen oo la oran jiray Tadaariq, waxuuna sitay 60 000 oo dagaalyahanno ah. Dhankii Yaziid bin Abuu Sufyaan waxuu udiray Jurjah bin Bowdiyaha Al Armani oo 50 000 ama 60 000 oo dagaalyanno wato. Qeyqaar ama Qeyqalaan oo 60 000 watana waxuu udiray dhankii Abuu Cubeydah bin Jarraax. Waxay Ruumaankii maalintaa iyada ah yiraahdeen:- Illaah baan kudhaarannaye, waxaan Abuu Bakar kushuqlineynaa inuu fardahiisa kala laabto dhulkayaga. Isku dar ciidamadii Muslimiinta maalintaas waxay ahaayeen 21 000 marka laga reebo kuwii uu watay Cikramah bin Abuu Jahal oo kusugnaa cirif kamid ah dhulka Shaam, waxaa kaloo lasheegaa inay dhammaayeen 24 000. Markii ay xaalladu halkaa mareyso bay madaxdii ciidamada Muslimiinta warqad u qoreen dhankii Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq iyo jaallahiisii Cumar bin Khaddaab, taasoo ay kula socodsiinayaan arrinta halka ay mareyso iyo sida ay Ruumaanku faleen. Markaa buu Abuu Bakar soo amray:- Isu tega oo noqda ciidan qura, oo markaa la kulmo ciidamada Mushrikiinta. Adinku waxaad tihiin Ansaartii Allaah, oo Allana wuu u gargaarayaa ciddii u gargaarto, wuuna dulleynayaa ciddii ku gaalowdo. Waxuu markaa yiri:- Illaah baan kudhaartaye waxaan Ruumaanku kaga shuqlin doonaa wiswiska sheydaanka Khaalid bin Waliid. Markaa buu Khaalid oo dhulka Ciraaq kusugnaa warqad udiray isagoo ku amrayo inuu Shaam aado oo ciidamada halkaa kusugan uu madax u noqdo, Ciraaqna uu masuul kusii dhaafo sida inoo iman doonto Inshaa Allaah.

Markii uu Hiriqal gaaray warka ah in Abuu Bakar uu ciidamadiisii soo amray inay halmeel isugu tegaan, buu isaguna ciidamadiisii sidoo kale amray inay halmeel isugu wada tegaan oo ay degaan goob istaraatiiji ah oo waasic ah, guud ahaanna ciidamadaasi oo idil waxuu madax uga dhigay walaalkiis Tadaariq, ciidamada hore waxuu madax uga dhigay Jurjah, labada dhinacna waxuu ukala dhiibay Maahaan iyo Duraaqis, ciidamada dhanka badda ahina waxuu u xilsaaray Qayqalaan. Markaa bay Ruumaankii soo dhaqaaqeen oo waxay soo degeen tog la yiraahdo Waaquusah oo u dhaw goobta Yarmuuk. Markaa iyada ah bay ciidamadii Muslimiinta Abuu Bakar u cid dirsadeen iyagoo ka dalbanayo gurmad, markaasuu Khaalid bin Waliid oo ku sugnaa Ciraaq sidaynu soo xusnay u diray warqad isagoo ku amrayo inuu aado Shaam oo ciidamada halkaasi joogo uu u noqdo madax. Waxuu amray inuu Ciraaq kudhaafo masuul oo isaga iyo ciidamadiisuna ay aadaan dhanka Shaam. Khaalid bin Waliid waxuu Ciraaq kudhaafay Muthannaa bin Xaaritha Ash- Sheybaani, waxuuna kala dhaqaaqay 9 500 oo ciidan ah isagoo daliil dhulka tusiyo uu uyahay Raafic bin Cumeyr Ad-Daayi. Wuu dhaqaaqay Khaalid isagoo kusii jeedo Shaam, waxuuna sii maray baadiyaha Samaawah ee dhulka Ciraaq. Waxuu sii socday illaa uu gaaray goob layiraahdo Quraaqir oo kamid ah dhulka banii Kalb waana goob leh biyo, halkaasoo uu degay. Kadib wuu kasii dhaqaaqay, Raaficna waxuu marinayey dhulal aanan horey cid umari jirtay aysan jirin. Waa dhul aysan lugtu ubaranin oo qahar iyo dhib badan oo buuro, geedo, dhagaxaan iyo qodxo badan leh. Waa halkii ay saxaabadu oonka darani iyo macluushu kuqabatay heer markii dambe ay qaar kamid ah awrtii gaadiidka u ahaa ay qasheen. Waxuu Khaalid Ruumaankii kasoo galay dhanka Tadammur, halkaasoo uu kula heshiiyey reer Tadammur iyo Arakah. Markii uu marayey Al Cudraa buu weerar ku qaaday qolooyinka Ghassaan oo uu ka qaniimeystay hanti badan. Wuu sii socday oo waxuu ka baxay dhanka bariga Dimishiq illaa uu ka gaaray Busra oo uu halkaa kula heshiiyey ninkii masuulka ka ahaa. Waxayna ahayd magaalladii ugu horeysay ee uu dhulka Shaam ka furto. Falillaahil Xamdu.

Kadib khumuskii qaniimada ee uu ka qaniimeystay reer Ghassaan buu u diray dhankii Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq isagoo horey ugu sii dhiibay Bilaal bin Al Xaarith Al Muzanni.

Kadib Khaalid waxuu gaaray ciidamadii Muslimiinta 9 casho kadib safarkiisii uu kasoo kicitimay dhanka Ciraaq. Markuu ciidamadii Muslimiinta gaarayna waxay taa unoqotay reyn reyn iyo farxad oo ciidamadii ayay niyadda u dhistay taasi, waayo Khaalid waxuu ahaa halyeey kudheereeyo arrimaha militerinnimada ah oo dhankaas waxuu ku ahaa axad looga dambeeyo, waxuuna ahaa abbaan duulo la mahadsho. Intaa dabeeto madaxdii iyo saadaaddii Muslimiinta ayaa shir u fadhiisteen, iyagoo ka shirayo sidii iyo qaabkii loo wajihi lahaa ciidamadan Ruumaanka ah ee cudud iyo cadadba la yimid. Abuu Sufyaan bin Xarbi baa kamid ahaa dadkii talada halkaa kasoo jeediyey waxuuna yiri:” Umaleyn maahayo inaan gaboobay illaa aan la kulmo qoom kashirayo qorsha dagaal oo aan ka qeyb qaadanin”. Kadib waxuu ishaaray in ciidamada Muslimiinta loo qeybiyo saddex qeybood, oo qeybi ay cadawga Ruumaanka hor fadhiisato, qeybta kalena oo ay kujiraan carruurta iyo maxastuna la dabo dhigo, qeybta saddexaadna uu la haro Khaalid bin Waliid.

Ciidamada Ruumaanka maalinta waxay silsilado ku xireen 30 000 ama 80 000 oo ciidamadooda kamid ah si aysan u cararin, tiro aan taas ahaynna waala sheegaa.

Intaa kadib Khaalid bin Waliid baa ciidamadii Musliiminta isu soo aruuriyey oo inta ka dhex istaagay amray wanaagga iyo midnimada iyo in la iska jiro tafaraaruqa oo loo midooba ladagaallanka cadawga. Waxaa kamid ahaa hadalladii uu halkaa kayiri kadib markuu mahadiyey Allaah oo uu amaanay:” Maanta tan waa maalin kamid ah maalmaha Illaah, oo aysan habbooneyn wax faan iyo xad gudub ah. Ubarax tiro jihaadkiina oo ula doono Allaah dartiis camalladiina. Maalintanna waa maalin leh wixii kadambeeyo oo haddii aan kucelinno godkooda, abad sidaa baanu u celin doonnaa, haddayse na jebiyaan liibaani mayno maanta kadib. Kaalayoo ha inasoo wado marto imaaraddu, si uu midkeen maanta uqabto, kan kalena uu berrito u qabto, midka kalena uu saad dambe qabto illaa ay inasoo wada marto, maantuse aniga ii daaya”. Labo kamid ah ciidamadii Muslimiinta iskuma aysan khilaafsaneyn inuu Khaalid ahaa shaqsi u qalmay inuu imaaraddaasi qabto oo dhammaan ciidanka oo idil waxay ogaayeen shaqsinnimadiisa iyo geesinnimadiisa, waxayna yaqiinsanaayeen kaalmada Alle darteed inuu Khaalid yahay qof ka saari karo Muslimiinta qoolka iyo dhibta ay kujireen maalintaas. Sidaa darteed bayna isku wada raaceen inuu isagu hoggaanka u haayo maadama uu Abuu Bakar Siddiiq usoo doortay.

Ruumaanku waxay maalintaa la yimideen ciidamo aanan horey looga baran tiro badi iyo hub-bo. Khaalid qudhiisu waxuu la yimid ciidama kuwii ugu cuslaa ee uu abad hoggaanka uqabto. Waxuu ciidamadiisii u qeybiyey 36 illaaa 40 guuto oo guuto kastaaba ay ka koobantahay kudhawaad 1000 nin, waxuuna u yeelay amiir guuta waliboo kamid ah guutooyinkaas. Intaa kadib waxuu dhisay ciidamadiisa isagoo ciidamada dhexda ah madax uga dhigay Abuu Cubeydah bin Jarraax, dhanka midigtuna waxuu udhiibay Camr bin Al Caas oo uu lasocdo Shuraxbiil bin Xasana, ciidamada bidixduna waxuu udhiibay Yaziid bin Abuu Sufyaan, aruurinta qaniimada waxaa loo xilsaaray C/llaahi bin Mascuud Al Hudali, qaadinnimada waxaa loo dhiibay maalinta Abii Dardaa, guubaabada iyo arrimaha kuboorinta dagaalkuna waxaa loo xilsaaray Abuu Sufyaan bin Xarbi, akhrinta quraanka iyo aayadaha jihaadkuna waxaa loo xilsaaray Al Miqdaad bin Camr, waxuuna akhrinayey suuratu Anfaal iyo aayadaha jihaadka, ciidamada lugta waxaa loo xilsaaray Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas, ciidamada fardooleyduna isaga Khaalid ah baa hoggaaminayey. Abuu Sufyaan bin Xarbi intuu guuto kasto oo kamid ah guutooyinka ciidamada Muslimiinta u tego ayuu ku boorinayey dagaalka isagoo markaana Alle ka baryayo inuu nasrigiisa kusoo dul dejiyo addoomadiisa.

Khaalid bin Waliid oo la tashanayo Abaa Cubeydah bin Jarraax ayaa ciidamadii fardooleyda u qeybiyey laba qeybood. Qeyb isaga Khaalid ayaa hoggaanka usii haayey, halka qeybta kalena uu u dhiibay Qeys bin Hubeyrah. Abuu Cubeydana waxuu ka qaaday ciidamadii dhexda ee uu hoggaaminayey, waxuuna madax uga dhigay ciidamadaas Saciid bin Zeyd bin Nufeyl Al Cadawi oo kamid ahaa tobankii jannada loogu bishaareeyay. Abuu Cubeydah waxuu geeyay gaadada dambe ee ciidanka si qofkii ciidamada Muslimiinta kamid ah ee soo cararo markii uu isaga arko uu u xishooda oo uu dib furunta ugu laabto. Intaa kadib waxuu Khaalid aaday dhankii dumarka oo uu markaa joogey ciidanka dabadiisa dambe, waxuuna siiyey seyfo oo uu ku yiri:- Qofkaad aragtaan oo soo cararo la dhaco seyfaha. Kadibna waxuu ulaabtay rugtiisii.

Cadadka ciidama Muslimiintu maalintaasi waxay ahaayeen sida tan:

21 000 oo ah ciidamadii afarta amiir ee isu tegay.

6 000 oo ah ciidamadii gurmadka ahaa ee Cikrimah bin Abuu Jahal uu watay.

9 500 oo ah ciidamadii uu Khaalid dhulka Ciraaq kala yimid.

3 000 oo kamid ah kuwii jabay maalintii Khaalid bin Saciid bin Al Caas.

Isku dar ciidamada Muslimiintu waxay ahaayeen 39 000 ama 40 000 Wallaahu aclam.

Ciidamada Ruumaanku waxay ahaayeen sidan:

80 000, oo ciidan ah.

40 000, ama 30 000 oo silsilado lagu soo xiray si ay u dhintaan.

40 000, oo xargo iyo camaamado lagu soo xiray si aysan u cararin.

80 000, oo gaadiid wadato

Dhammaan isku darkoodu waxuu ahaa 230 000 ama 240 000 Wallaahu aclam.

Intaa kadib wax la suga waa dagaalkii oo billawdo. Markay labadii ciidan is arkeen buu Abuu Cubeydah ka dhex istaagay isagoo guubaabinayo isago amray inay muujiyaan sabar iyo adkeysi waayo sabarku waxuu ka koriyaa gaallimada oo uu raalli geliyaa Rabbigu. Misna waxaa kacay Mucaad bin Jabal oo isaguan si wacan hadalka u dhigay waxuuna akhriyey aayadda 55aad ee suuratu Nuur. Waxaa kamid ahaa hadalladiisa:- Ka xishoodo Rabbigiin inuu idin arko adinkoo ka carareysaan cadawgiinna oo aad markaana kujirtaan qabashadiisa, iyadoonaay jirin goob aad u carartaan oo isaga Allaah ka sokeyso ama qeyrkiisa ah toona. Waxaa misna kacay Camr bin Al Caas oo isaguna wanaajiyey oo isagu u tilmaamay ciidamadii Muslimiinta inay daboolaan indhahooda si aysan ugu fidnoobin dumarka cas cas ee Ruumaanka oo deetana ay guuldarro goobtu timaaddo illeen macsi hadday timaado guul darraduna way lasocotaaye. Kadib Abuu Sufyaan baa kacay oo isaguna xasuusiyey inay yahiin Carab oo ay joogaan dhul cajam, ayna ka fogyahiin ehelladoodii, amiirkii mu’miniinta iyo gurmadii Muslimiintuba. Waxuuna xasuusiyey inay hor fadhiyaan cadaw ka cudud iyo cadad badan. Waxuu yiri:- Idin soo gaari meyso raxmadda Alle beritoole jeer aad la kulantaan cadawgiinna oo aad ka runsheegtaan oo aad kusabartaan yacni adkeystaan goobta macrikada ee fara saarka. Kadib wuu dhaqaaqay Abuu Sufyaan oo dumarkii ayuu u tegay oo sidaa si lamid ah uu ula soo hadlay isagoo la soo dardaarmay, kadibna wuu soolaabtay waxuuna ku qayliyey:- Kulanka Islaamkoow!! Waxaa yimid waxa aad aragtaan, waakan Rasuulkii Alle SCW oo hortiinna ah iyo jannadii. Sheydaan iyo naarna waa gadaashiina, kadib goobtiisii ayuu kusoo noqday. Kadib waxaa kacay Abaa Hureyrah oo yiri:- U deg dega xuurulcaynta iyo la dersidda Rabbigiin Cazza wajalla, Jannooyinka nagaadiga. Ma jirto goob uu Rabbigiin idiinkaga jecelyahay meeshan oo kale. Hooydaay!! ku sabra waxay leeyahiin fadli weyn. Ciidamadaasi waxaa kujiray 1000 saxaabadii Rasuulka SCW kamid ah, 100 kamid ahina waxay ahaayeen asxaabtii Bader.

Maahaan baa inta Safkii gaalada kasoobaxay u dhawaaqay Khaalid isagoo ka dalbanayo inuu usoo baxo si uu ula hadlo. Markaasuu Khaalid u baxay, waxayna ku kulmeen labada ciidan dhexdooda. Waxuu yiri:- Waxaanu ogaannay in waxa dhulkiina idinka soo saaray ay tahay gaajo, ee kaalayo waxaan idin siineynaa 10 Dirham qof kastoo idinka mid ah, sanadkan sanadkiisa kale marka la gaarana waxaan idiin soo direynaa mid lamid ah. Waxuu yiri Khaalid:- Ma ahan waxa dhulkayaga naga soo saaray sida aad sheegtay, waa inaanu nahay qowm cabbo dhiigga, waxaana ina soo gaartay in dhiigga Ruumaanku uusan jirin dhiig ka wanaagsan, marka sidaa baanu u nimid. Markaa bay Baahaan asxaabtiisii ku yiraahdeen:- Illaah baan ku dhaarannaye waxa kani waa waxii aan xaggooda ka sheegeynay.

Kadib Khaalid waxuu u tegay Al qacqaac bin Camr iyo Cikramah bin Abii Jahal oo hoggaaminayey qaar kamid ah guutooyinkii Muslimiinta ee maalintaas. Waxuu amray inay huriyaan dagaalka oo ay weerarro culus qaadaan. Kadib dagaalkii baa billawday. Ciidamada Ruumaanka waxaa la socday culimadoodii Qisisiinta iyo Ruhbaaniyiinta oo ku boorinayeen dagaalka iyo inay difaacaan diinta Nasaarada. Mar Alliyoy dhiiri gelinayaan ciidankooda bay aad u dhawaaqayeen, saa waxaa maqlay Mucaad bin Jabal oo yiri:- Alloow! gigil gommadahooda, oo rucbi kutuur qalbiyadooda, oo naguna soo deji dushayada raxmaddaada, oo na haleeshii kalmadda taqwada, oo na jecleysii la kulanka noogana raalli noqo qadaha.

Dagaalkan Yarmuuk saxaabadii kaqayb qaadatay waxaa kamid ahaa Zubayr bin Al Cawwaam oo maalintaa ahaa mid kamid ah saddexdii ugu fadli badneyd ciimada Muslimiinta ee halkaa kusugnayd. Waxuu Zubayr ahaa halyeey geesi ah oo hub ka dhawaajiyo loo muhdo ah, waxuuna aad ugu wacnaa fardo fuulka iyo seyfta oo si xarago leh cadawga loogu xasuuqa. Sidaa darteed baa dagaalkii oo socda ay uyimaadeen jamaaco kamid ah halyeeyadii iyo geesiyaashii Muslimiinta oo ka dalbadeen inuu la weerar qaado, markaasuu ku yiri:- Ma sugnaaneysaan. Markaa buu weerar qaaday oo ay iyana la qaadeen. Waxuuna ka dhex baxay ciidamadii dhexda ee Ruumaanka isagoo dhanka kale uga baxay, misna wuu kusoolaabtay isagoo intaasi laynayo layn daran cadawga. Misna mar kale buu sidii si lamid ah sameeyay isagoo ay lasocdaan asxaabtiisii heer markii dambe uu jilciyey safafkii Ruumaanka. Dagaalkii wuu darraaday, Ruumaankuna waxay la yimideen wacdaro aanan horey looga baran.

Maahaan ayaa weerar kusoo qaaday meymanadii Muslimiinta oo ay u badnaayeen, Khowlaan, Uzdi, reer Xadrumowd iyo Mudxij. Waxayse muujiyeen sugnaan iyagoo ka run sheegayo goobta fara saarka, heer markii dambe ay Ruumaankii weerar sidii buuro guurayo ah ay sooqaadeen. Maalintaa waxaa kashifmay banii Zubayd oo safkoodii dabciyey, dabeetana markay arkeen dumarkii Muslimaadka oo ulo iyo dhagaxaan la dhacayo kuwii firxaday bay is qabteen oo ay xishoodeen, dabeetana dib bay usoolaabteen. Waxaa maalintaa kashifmay jamaaco kamid ah Muslimiinta. Camr bin Al Caas iyo xayn uu kujiro iyagu way sibaxdeen, dabeetana way is qabteen oo way soolaabteen. Shuraxbiil ibnu Xasana qudhiisu wuu taraaraxay inkastoo uu is qabtay markuu maqlay dhawaqa mid kamid ah amaraada ciidanka oo akhrinayo qolka Alle Sarreeye:- Alle waxuu Mu’miniintu ka iibsaday nafahooda, inay usugnaatay Janno darteeda. ( Suuratu Towbah, aayadda 111aad ). Maalintaa waxaa sugnaaday Yaziid bin Abii Sufyaan, oo siday raayad kamid ah raayadahii Muslimiinta ee Maalintaas. Sababtuna waxay ahayd aabahii Abuu Sufyaan baa mar waliba guubaabinayey oo ku lahaa:- Maandhoow! dushaadu ha ahaato cabsida Alle, oo ha noqon sida aynoqdeen saaxiibadaa. Waxuu Abuu Sufyaan ku guubaabinayey inankiisa isagoo hoostaagnaa raayaddii uu siday, inuu sugnaado oo uu sabir iyo adkeysi muujiyo, oo uusan lamid noqon kuwa kashifmay maalintaa iyada ah. Mar Alliyoo uu Abuu Sufyaan wiilkiisa guubaabiyo, waxuu Yaziid jawaab ahaan u celinayey aabahiis:- Inshaa Allaah waan fali.

Cikrimah bin Abii Jahal waxuu yiri maalintaa:- Rasuulka Alle SCW baan goobo badan kula dagaal galay, ee ma maanta baan adinku idinka cararaa? Dabeeto waxuu kudhawaaqay, yaa igula mubaayacoonayo dhimasho? Markaasay xaggiisii usoo dideen 400 kamid ah halyeeyadii fardooleyda iyo geesiyaashii Muslimiinta oo ay kamid ahaayeen adeerkiis Al Xaarith bin Hishaam iyo Diraar bin Al Azwar. Waxay qaadeen weerar culus oo ay ka dagaallamayeen goobta tendhadii Khaalid agteeda, jeer markii dambe dhammaantood uu soo gaaray dhaawac, qaar kamid ahina ay ku ishtish-haadeen. Waa halka ay ku oomeen iyagoo dhaawac culusi hayo sida la sheego Cikramah bin Abuu Jahal, adeerkiis Al Xaarith bin Hishaam iyo Cayaash bin Abuu Rabiicah, oo markii biyo loo keenay oo midiba yiri midka kale horta sii, oo ay dabeeto iyagoonan cabbin biyahii ay wada geeriyoodeen.

Waxaa layiraahdaa:- Qofkii ugu horeeyay ee Muslimiinta ka dhinta maalintaa waxuu ahaa nin u yimid Abuu Cubaydah bin Al Jarraax oo ku yiri:- Annigu arrinteydu waan diyaarsaday ee majirtaa wax xaajo ah oo aan kaa gaarsiiyo Rasuulkii Alle SCW? Waxuu yiri Abuu Cubaydah:- Haah! igu salaan oo kuna dheh:- Rasuulkii Alloow! innagu waanu helnay wixii uu Rabbigayo inoo yaboohay oo dhab ah.

Markaa buu ninkii dhaqaaqay oo uu dagaallamay jeer la dilay isagoo shahiid ah.

Kadib markuu arkay Khaalid weerarka Ruumanka ee is daba joogga ah iyo in safafkii Muslimiintu ay dhowr jeer kashifmeen, buu weerar culus ku qaaday ciidamadii bidixda ee Ruumaanka, kuwaasoo markii hore weerarro is daba joog ah kusoo qaaday ciidamada midigta ee Muslimiinta. Markaa buu Khaalid dagaallamay dagaal aad u daran. Markaa buu liiciyey oo uu ku daray ciidamadii Ruumaanka ee dhexda, waxuuna kaga laayey weerarkaas gaalada 6 000, kadiba waxuu yiri:” Kan ay nafteydu gacantiisu kujirto baan ku dhaartaye uma aysan harin wax sabar ah iyo ad adkaan, aan ka ahayn sida aad ka aragtaan, waxaanna rajaynayaa inuu Alle idinka siiyo guusho”. Markaa buu mar kale kaxaystay 100 fardooley ah oo uu weerar culus ku qaaday 1000 Ruumaan ah, markiina ay Ruumaanku arkeen weerarka labaad ee Khaalid bay dhanka kale ujabeen.

Goor dagaalka lagu jiro oo xaalladu kulushahay baa waxaa timid warqad sheegeyso geerida ku timid Abuu Bakar Siddiiq iyo in Khilaafadii uu bacdigiisa qabtay Cumar iyo in weliba imaaradda Shaam uu u soo wakiishay Abuu Cubaydah bin Al Jarraax, Khaalidna uu ka casilay. Warqaddaasi waxaa siday Manjimah bin Zuneym, markaasuu Khaalid ku yiri:- Waa maxay? Waxuu yiri:- Arrin aniga iyo adiga dhexdeenna ah. Kadibna waxuu usheegay geerida Abuu Bakar Allaha ka raalli noqdee. Markaa buu Khaalid ku yiri isagoo ay dadkii maqlahayan:- Axsanta. Warqaddiina intuu qaaday buu ku ritay tuulkiisa.

Islaamiddii Jurjah

Jurjah sidaynu ogsoonnahay wuxuu kamid ahaa madaxdii ciidamada Ruumaanka ee Maalintaas, waxaanna soo xusnay inuu ahaa mid kamid ah amiiradii Ruumaanka ee kuwajahnaa amaraadii Muslimiinta ee afarta ahaa, kuwaasoo uu Abuu Bakar Siddiiq Allaha ka raalli noqdee uu usoo diray dhulka Shaam. Waxii dhacay markay dhaceen oo ciidamadii Muslimiintu ay isu tegeen, buu Hiriqal amray ciidamadiisii inay iyaguna isu tegaan. Markiina ay isu tegeen Jurjah ma uusan waynin imaaraddiisii, waayo waxuu ahaa mid kamid ah madaxdii ugu sarreeysay Ruumaanka, dhanka dagaalkuna tabbo iyo xeelad wanaagsan ayuu uyaqiinnay. Sidaa darteed buuna kamid ahaa dagaalkaan Yarmuuk madaxdii hoggaaminaysay Ruumaanka.

Intaa kadib (innagoo sii wadno dhacdadan Yarmuuk) buu Jurjah kasoo baxay ciidamadiisii oo uu soo dhex istaagay labada saf isagoo markaa dalbaday inuu Khaalid usoobaxo si uu bal wax u su’aalo. Markaa buu Khaalid u baxay, booskiisiina waxuu kudhaafay Abuu Cubaydah bin Al Jarraax. Waxay ku kulmeen isaga iyo Khaalid labada saf dhexdooda, iyadoo midba midka kale uu magan galyo siinayo oo uusan jirin mid midka kale far u dhaqaajinayo, fardahooduna ay markaa labaduba qooraha is dhaafsadeen oo ay wada hadal billaabeen. Markaa buu yiri Jurjah:- Khaalidoow! iisheeg runta, oo ha iisheegin wax beena, waayo qofka xurta ahi been masheego, hana iqayaamin, waayo qofka sharafta lihi wax ma qayaamo. Allaan kugu dhaarshaye, ma Alle baa Nebigiinu samada uga soo dejiyey seyf oo uu markaa adiga kusiiyey oo ciddaad kula dagaallantaba aad jebisaa?

Waxuu yiri:- Maya.

Waxuu yiri:- Oo haddaba sidee laguugu baxshay Seyfullaah (Seyftii Alle)?

Waxuu yiri:- Alle Sarreeye baa dhexdayada kasoo saaray Nebi, markaasaanu beeninnay, oo aanu ka cararnay, say barkayaga rumeeyeen oo raaceen, barkannaguna way la dagaallameen oo ay beeniyeen, waxaana kamid ahaa kuwii beeniyey oo la dagaallamay. Kadib Alle baa qabtay quluubtayada iyo foodannada oo inagu hanuuniyay, markaasaanu raacnay. Markaasuu yiri:- Adigu waxaad tahay seyf kamid ah seyfaha Allaah uu kusalliday Mushrikiinta, waxuuna iigu duceeyay guul. Sidaa la iigu baxshay Seyfullaah, aniguna waxaan ahay qofka Muslimiinta ugu ad adkaan badan xagga gaalada.

Waxuu yiri Jurjah:- Khaalidoow! Bal iiga warran waxa aad dadka ugu yeereysaan?

Waxuu yiri:- Waa qiridda inuusan jirin Allaah (xaq lagu caabbudo) oo aan ka ahayn Alle, Muxammedna (SCW) uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii, iyo in lagu raalli noqo waxii uu Alle xaggiisa kala yimid”.

Waxuu yiri:- Oo ka warran kaan idinka yeelin?

Waxuu yiri:- Waa inuu bixiyo jizyo, innaguna waan difaacaynaa.

Waxuu yiri:- Bal ka warran hadduusan bixinin?

Waxuu yiri:- Waxaanu ogeysiineynaa dagaal, kadibna waan la dagaallameynaa”.

Waxuu yiri:- Ka warran manzilada qofkii idiin soo galo, oo idinka yeelo arrinkan maanta?

Waxuu yiri:- Manziladayadu waa mid qura, xagga waxii uu Alle nagu farad yeelay keenna shariifka ah, keenna daciifka ah, keenna u horeeyay ( ee galo diinta Islaamka ) iyo keenna u dambeeyayba.

Waxuu yiri:- Ma leeyahay Khaalidoow! kii maanta soo galo ( diintan ) ajar iyo mushqaayad lamid ah ka aad idinku leedihiin?

Waxuu yiri:- Haah! weliba wuu naga fadli badanyahay.

Waxuu yiri:- Oo siduu idiinlamid yahay adinkoo uga horreeyay?

Waxuu yiri:- Arrinkan ( diinta ah ) waxaan galnay oo aan la baayacoonnay Nebigayaga SCW iyadoo uu noolyahay oo uu dhexdayada joogo, khabarna uu uga yimaado samada (yacni waxyi ), oo uu inooga warramayey kutubta, oo uu inatusinayey calaamadooyinka. Xaq bay ku ahayd qofkii arkay waxii aan aragnay oo maqlay waxaanu maqalnay inuu u hoggaansamo oo uu la mubaayacooda, adinkuna maydaan arag waxaan aragnay oo maydaan maqal waxaanu maqalnay oo cajaa’ib iyo xujooyin ah. Ruuxii soo galo arrinka kan ee diinta ah oo idinka mid ah, isagoo ay ka tahay dhab iyo niyad dhab iyo niyad”.

Waxuu yiri Jujrah:- Illaah baan ku dhaartaye waad ii runsheegtay. Kadibna wuu Islaamay oo waxuu u soo wareegay safkii Khaalid.

Intaa kadib Khaalid wuu kaxeeyay waxuuna geeyay teendhadiisii, oo uu ugeeyay biyo, oo kadib markuu meydhay oo uu weysaystay ayuu tujiyey laba rakcadood. Markaa bay Ruumaankii weerar kusoo qaadeen teendhadii uu ku jiray Jurjah, hase ahaatee qaar kamid ah halyeeyadii ciidamada Muslimiinta baa u jilba dhigeen weerarradaas, kuwaasoo ay kamid ahaayeen Cikrimah ibnu AbuuJahal iyo Diraar bin Al Azhar, sidaynu soo xusnay.

Kadib Jurjah iyo Khaalid baa waxay qaadeen weerarro is dabajoog ah oo ay kuqaadeen Ruumaanka, hase ahaatee waala asiibay Jurjah oo wuu shahiday isagoo Muslim ah, oo aan horey iyo gadaalba u tukan waxaanan ka ahayn labadii rakaco ee uu Khaalid tujiyey.

Kadib Ruumaankii way jabeen, waxaana iska dul dhacay kuwii silsiladaha ku xirnaa, markaasay Muslimiintii halkaa kulaayeen iyagoo ka dilay kudhawaad 120 000 marka laga reebo kuwii farasaarka hore lagaga dilay. Waxaa la dilay dil aad u daran oo dariic ah, heer ay dumarkii Muslimaadka ay ka qeyb qaateen layntooda oo ay wax badan ka dileen kuwii silsiladaha ku xirnaa. Dhanka Muslimiinta waxaa maalintaa laga dilay 3 000 oo ay kamid ahaayeen, Cikrimah bin AbuuJahal iyo wiilkiisa Camr bin Cikramah, iyo adeerkiis Xaarith bin Hishaam, Camr bin Saciid, Salamah bin Hishaam, Cayaash bin Abii Rabiicah, Nucaym bin Cabdillaahi Al Cadawi, Saciid bin Al Xaarith bin Qeys As-Sahmi, An- Nasseer bin Al Xaarith bin Calqamah, Abuu Ruum bin Cumeyr Al CabdiDaari, Abaan bin Saciid bin Al Caas. Hishaam bin Al Caas bin Waa’il, Camr bin Dhufeyl bin Camr Ad-Dowsi- oo riyadii aabahiis ee maalintii Yamaamah u rumowday, iyo qaar kaloo badan oo kamid ah rag karmeedyadii Muslimiinta. Abuu Sufyaan bin Xarbi isha ayaa laga asiibay oo uu leeb uga dhacay, waxaana ka soo saaray Abuu Xathmah.

Ciidamadaasi Muslimiinta ee xaadiray Yarmuuk waxaa kujiray 1000 saxaabadii Rasuulka SCW kamid ah iyo 100 kamid ah asxaabtii Bader.

Jabkii Ruumaanka qaar kamid ah ayaa waxuu gaaray boqorkoodii Hiriqal oo markaa kusugnaa Andakiyah ama Ximsa, markaasuu ku yiri:- Hooggiinee! iiga warrama bal qowmka aad la dagaallameysaan, ma waysan ahayn dad bashara oo sidiinoo kale ah? Waxay yiraahdeen:- Haah!.

Waxuu yiri:- Oo ma iyagaa idinka badnaa ama adinka ayaa ka badneydeen?

Waxay yiraahdeen:- Mayee, innagaa goob waliba labo jibbaar ka badneen.

Waxuu yiri:- Oo maxay haddaba idin helay oo ay idiin jibiyaan?

Markaa buu nin kamid ah culimadoodii oo oday ah yiri:- Waa sababta darteeda inay habeenkii oo idil taaganyahiin (salaad darteeda ), maalintiina ay soomanyahiin, oo ay oofiyaan ballanka oo ay amraan wanaagga, xumuhuna ay reebaan, dhexdooduna ay is wanaajiyaan. Halka aan innagu cabno khamriga, oo aan zinneysanno, xaaraantuna aan fuulno, ballantuna aan burinno, oo aan dulmi falno, oo aan is amarno cadho, oo aan iska reebno waxii Alle raalli gelinayo, dhulkuna aan fasaahidinno.

Waxuu yiri Hiriqal:- Adigu run baad iisheegtay.

Taasu waxay ku tusineysaa wanaaggii Muslimiinta inay xitaa gaalladii ka marag kaceen, heer ay qirteen inay iyagu yahiin kuwa qaldan oo lunsan.

Waa sidaase goor lagu jiro xafladdii guusha iyo riyaaqid iyo reyn rayn iyo mahadnaq guushii Yarmuuk laga helay darteeda buu Khaalid ku dul akhriyey ciidankii warqaddii katimid Madiina ee caddeyneysay geerida kutimid Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Allaha ka raalli noqdee. Majahii farxaddu baa mar qura isku badashay murugo iyo tiiraanyo huwisay ciidamadii Muslimiinta, hase ahaatee maysan ka gaabinin howlahoodii militari ee kujiraan. Allena waxuu u wakiishay kii ugu kheyr badnaa ummadda Nebi Muxammed SCW kadib Abuu Bakar.

Waxuu Khaalid u sheegay ciidamadii Muslimiinta in Khilaafadii uu qabtay Al Faaruuq, imaaraddii Shaamna masuul looga dhigay Abuu Cubaydah. Kadib buu Abuu Cubaydah go’aamiyey in la qeybiyo qaniimada kadib markuu ka saaray khumuskii. Markaa buuna khumuskii qaniimada iyo bishaaradii guusha u dhiibay Qubaath bin Ashiim si uu Madiina u geeyo, Yarmuuk-na waxuu ku sii dhaafay koox fardooley ah oo uu madax u yahay Bushayr bin Kacab.

Dhacdooyinkii Ka Dhacay Ciraaq Kadib Ka Imaanshihii Khaalid

Sababtu waxay ahayd in Furus ay boqoreen Shahrbaraaz bin Aradasheer bin Shahrayaar, kadib markay dileen boqorkoodii iyo wiilkiisii. Iyagoo ka faa’iideysanayo maqnaashaha Khaalid bay dhankii Muthanna u soo direen ciidan culus oo dhan 10 000 oo uu madax uyahay Hurmuz Jaadaweyhi. Markaasuu Shahrbaraaz warqad usoo diray Muthannaa isagoo ku leh:- Waxaan kuusoo diray ciidamo kuwii waxuushta reer Furus, wax kale maahane waa kuwii raaci jiray digaagga iyo doofaarrada, wax aan iyagu ahaynna kugulama dagaallamayo. Markaa buu Muthanna u qoray warqad kale jawaab ahaan isagoo oranayo:- Waxaad tahay labo nin midkood. Haddii aad qooqday adiga ayay shar kuu tahay, innaguna waa inoo kheyr. Ammaa haddii aad been sheegeyso, ugu weyn beenalayaasha xagga cuquubta iyo fadeexada Alle agtiisa waa boqorrada, Sida aynu u aragnana waxay tahay in la idiin dhibaateeyay xaggooda ( kuwa raaco digaaga iyo iyo doofaarrada, oo aad waydeen ciidamo kale ). Mahad waxaa iska leh Allahii dhagartiinnii u celiyey digaag raac iyo doofaarreey.

Markii ay warqaddaas u tegtay reer Furus oo ay akhriyeen bay sidaran uga naxeen oo ay ka xumaadeen sababta uu Shahrayaar markii hore u qoray warqadda hore, waxayna ku tilmaameen inuu yahay mid ra’yi waalan.

Intaa kadib ciidamadii Faarisiinta waa ay soo baxeen oo waxay soo abbaareen dhankii. Muthana iyo ciidamadiisiina waxay ka dhaqaaqeen Xiirah oo uu aaday dhanka Baabil. Labada dhinac ee ciidamadiisa waxuu ukala dhiibay walaaladii Al Macnaa iyo Mascuud. Waxay labada qolo ku kulmeen Cudwat-Suraah, halkaasoo ay ku dhex martay dirir aad u daran, Faarisiintuna dhowr jibbaar bay Muslimiintu ka badnaayeen. Waxay maalintaa Faarisiintu soo deeyeen maroodiyaal ay ku cabsi gelinayaan fardaha Muslimiinta oo u diiday inay si quman weerar u qaadaan fardooleyda Muslimiinta. Markaa buuna Muthanna laayey maroodiyaashii, asxaabtiisiina waxuu amray inay laayaan maroodiyaasha. Kadib dagaalkii baa darraaday, markaysay jabeen majuustu oo ay Muslimiintiina raacdeysteen oo ay laynayeen, waxayna dileen dil daran maal badanna way ka qaniimeysteen. Jabkii Faarisiinta ayaa waxay ka dul dhaceen caasimaddoodii Madaa’in goor ay shari ka dhex taagan tahay. Waxay tageen iyadoo boqorkoodii uu dhintay, oo ay boqreen gabadhii boqorkii hore ee Kisraa. Taasoo la oran jiray Bowraan bint Abruweyz, oo runtii ku oogtay caddaaladda, oo wanaajisay raadka taariikhdeeda, waxayna madax u ahayd muddo hal sano ah iyo 7 bilood, dabeetana way dhimatay. Markaasay boqreen walaasheed Aazarmiidakhat zinaan, dabeetana waxay kubadaleen Zaabuur bin Shaharyaar, waxayna ku lamaaneeyeen Farakhzaad bin Bandawaan. Markaa buu Saabuur u dhisay gabadhii boqorkii hore ee Kisraa Farakhzaad bin Bandawaan, taasoo ahayd Aazarmiidakhat zinaan bint Abruweyz. Markaasay Aazarmiidakhat diidday arrinkaas waxayna tiri:- Waa addoon kamid ah addoomayada. Markii la gaaray habeenkii arooskeeda bay Faarisiintii dileen Farakhzaad, kadibna waxay aadeen dhankii Saabuur oo isaguna ay dileen, waxayna boqreen Aazarmiidakhat mar kale.

Rasuulkeennu SCW waxuu yiri:- Ma liibaanayaan qowm haweeney madax ka yeeshay. Boqortooyadii Furusna waxay noqotay mid dheel dheel iyo lahwi ah, oo dandarrowday.

Kadib Muthanna waxuu u cid dirsaday Abuu Bakar Sidiiq isagoo ka dalbanayo gurmad, hase ahaatee wax war ah kamuusan helin. Markaasina waxay ahayd goor lagu jiray carcartankii dagaal weynahii Yarmuuk oo uu Abuu Bakar ku mashquulsanaa. Markii uu raagsaday Muthanna gurmadkii uu ka dalbaday Abuu Bakar, wax farriin ama jawaab ahna uu ka la’yahay buu naf ahaantiisii aaday magaaladii Madiina, Ciraaqna waxuu kusii dhaafay Bashiir bin Khasaasiyah, arrimaha dagaalkana wuxuu usii xilsaaray Saciid bin Murrah Al Cajali.

Markii uu Muthanna tegay Madiina, waxay ahayd goor uu Abuu Bakar la jiifay xanuunkii uu dunida uga faaruqay khilaafadiina uu kula ballamay Cumar bin Khaddaab. Markiina uu Abuu Bakar arkay Muthanna oo dul taagan buu Cumar ku yiri:- Marka aan geeriyooda yaanad galabeysan jeer aad dadka ku booriso la dagaallanka reer Furus oo aad Muthanna ciidan ku darto. Sidii buuna Cumar yeelay sida aynu ku arki doonno billawgii Khilaafadiisii hadduu Alle idmo.

Geeridii Abuu Bakar Allaha Ka Raalli Noqdee

Markii ay u buuxsantay da’da 63aad oo ah da’dii uu ku geeriyooday rafiiqiisii Nebi Muxammed SCW buu Rabbi oofsaday. Taasina Rasuulka SCW baa ugu sii bishaareyay mar uu yiri:- Waxaan arkay adigoo jannada iga dambeeyo labo jaranjaro iyo bar. Waxay kutusineysaa inay taasi tilmaamayso inta sano ee uu ka noolal dambeeyo Abuu Bakar Rasuulka Alle SCW, arrintanina waana mid kamid ah dalaa’ishii Nebiga SCW.

Muddadii aadka u yarayd ee uu xilka hayay Abuu Bakar Siddiiq waxuu awooddii Islaamka kusoo celiyey Xijaas oo idil oo markii hore ay wada riddoobeen marka laga reebo reer Makka, reer Madiina iyo reer Daa’if. Intaa kadib wuxuu nadiifiyey jasiiraddii oo idil, kadibna furtay qaar kamid ah dhulka Ciraaq, waxayna geeridii u timid isagoo ciidamadii Muslimiinta isugu geeyay dhulka Shaam si uu u boqno gooyo boqortooyadii Ruumaanka.

Sanadkan dhexdiisa buu xanuunsaday xanuunkaasoo ahaa midkii uu dunida uga faaruuqay, waxuuna khilaafadii uga tegay Cumar bin Khaddaab kadib markuu la tashtay saxaabo badan oo dhammaantood ay u ishaareen in uu Cumar kudhaafo khilaafada.

Dardaarankii khilaafada uu u dardaarmayay Cumar waxaa u qorayey Cuthmaan bin Cafaan isagoo xanuunsanayo ayuu u yeerinayay. Markiina uu marinayo yeerinta dardaaranka weedhan: Waxaan idiinkaga tegay…… buu miyir daboolmay, markaasuu Cuthmaan halkii kubuuxiyey…. ”Cumar”.

Mar kale buu Abuu Bakar Illaahay haka raalli noqdee dib u soo miyirsaday oo uu yiri:- Bal ii akhri waxa aad qortay. Markaasuu u akhriyey illaa uu ka gaaray weedha ah waxaan idiinkaga tegay…. Markaasuu Cuthmaan raaciyey magacii uu ku daray oo awalba uu Abuu Bakar hadal hayey ee ahaa ”Cumar”. Waxuu markaa Abuu Bakar u riyaaqay sida uu Cuthmaan sameeyay, waxuuna ku yiri:- Waxaa laga yaabaa inaad ka cabsatay inaan sidaa ku dhinto oo dadku ay is khilaafaan, Illaah baan kudhaartaye haddii aad adigu isku qori lahayd ahal baad u ahaan lahayd. Kadib dardaarankii buu sii waday illaa uu ka dhammeeyay. Markii uu dhintay buuna Cuthmaan dadkii ku dul akhriyey dardaarankaas oo ay dhammaantood kuwada raalli noqdeen, lana mubaayacoodeen khaliifada khaliifadii Rasuulka Alle SCW (Cumar).

Waxaa la sheegaa in Yahuud ay siisay cunno sumeysan oo ay cuneen isaga iyo Al Xaarith bin Kildah, dabeetana uu geeriyooday sanadkan gudahiisa. Waxaa kaloo la sheegaa inuu qubeystay ama maydhay maalin qaboow ah oo ay dhaxan darani jirtay, oo dabeeto ay xumadi qabatay sida rajaxsan, taasoo uu la xanuunsanaa muddo 15 casho ah oo uusan soo bixin. Waxuuna muddadaas amray Cumar inuu dadka tujiyo salaadda oo uu howlaha sii kala wado. Waxuu geeriyooday Maalin isniin ah oo ay siddeed casho ka dhimantahay bisha Jamaadul Aakhir ee sanadkan yacni 13aad ee Hijriga. Waxuuna u dardaarmay inay dhaqdo afadiisa Asmaa bint Cumays, waxaana caawinayey wiilkiisa C/Raxmaan bin Abii Bakar, maadama ay maalintaa Asmaa soonneyd oo qabow badanina uu jiray. Cumar bin Khaddaab ayaa tujiyey janaasadiisa isagoo takbiirsaday afar takbiir. Waxaana lagu ag aasay rafiiqiisii Nebi Muxammed SCW, goobta daartii Caa’ishah, Allaha ka raalli noqdee.

Abuu Bakar Siddiiq wuxuu Rasuulka SCW kasoo weriyey 141 xadiis, Illaahay haka raalli noqdee.

Intaasi ayaan kusoo gababayneynaa wixii uu Alle inaga waafajiyey inaanu ka qorno taariikhdii Abuu Bakar Siddiiq oo runtii buggaag iyo qalimaan badan dhameyneyso.

Illaahay ha u nuuriyo qabrigiisa hana u waasiciyo Abuu Bakar Siddiiq, saaxiibkii Rasuulka Alle SCW iyo labaeeyahiisii godka. Aameen aameen, aamiin.

Wabillaahil Mustacaan

Taariikhda Khulafada

Taariikhdii Khulafaa’u Raashidiin

Muxammed Daahir Cabdi

HORDHAC

Illaahay baa mahad leh, isagaanuna magacyadiisa ku weydiisaneynaa dembi dhaaf. Waxaanuna ka magan galeynaa shararka nafaheenna iyo xumidda howlahannaga. Kan uu Illaahay hanuuniya ma jirto cid baadiyeyn karto. Kan uu lumiyaana, wax hanuunin karaa majirto.

Waxaan qirayaa inuusan jirin mid xaq lagu caabbudo oo aanan Illaahay (kaliga ah) ka ahayn, kaasoo uuna jirin Illaah kale, asaga uun mooyaane, waxaana qirayaa inuu Muxammed SCW yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii naxariista Alle iyo nabadi dushiisa ha ahaato, asaga iyo ehelladiisii dahirsanaa, iyo asxaabtiisii akhyaarta ahayd, iyo intii wanaagga ku raacday taniyo dharaarta aakhiro.

Intaasi kadib

Illaahay kor ahaaye wuxuu yiri:- Ruuxii wax yaroo kheyr ah falaa wuu arki doonaa. Suuratu Zilzilah aayadda 7aad.

Haddaba waxaa jiri doonto maalin qofkii fala wax yaroo kheyr ah uu arki doono ajarka iyo thawaabta ay arrintaasi u yeelan doonto. Waxaana illaahay ka rajeynayaa inuu camalladeenna suubban inoo aqbalo oo miisaanka xasanaadka ah inoo saaro.

Intaa dabadeed, kitaabkan aan ugu magac daray ”Fatxul- Jamiil’, waa kitaab ka hadlaya taariikhdii Islaamka, kuna qoron afkeenna hooyo ee Soomaaliga. Wuxuu kitaabkani ka hadlayaa casrigii dahabiga ahaa ee quruxda badnaa, kaasoona ah casirgii afarta khaliif ee loo yaqaannay Khulufaaur Raashidiin. Sidoo kale wuxuu ka hadlayaa lixdii saxaabi kale ee iyagu kamidka ahayd tobankii Jannada loogu bishaareeyey, (Abuu Cubaydah bin Al Jarraax, Cabdiraxmaan bin Cowf, Dalxah bin Cubaydillaah, Zubayr bin Al Cawwaam, Saciid bin Zayd iyo Sacad bin Abii Waqaas), laakiin iyaga lixdani waan kareebay bandhiga casharkaan, si loo fahma furashooyinkii casrigii dahabiga.

Wuxuu kitaabkani qaadaa dhigayaa waqtigii dowladihii Islaamka ee soddonkii sano ee afarta khaliif, anigoo u sharxay qaab si fudud loo fahmi karo. Waxaan u kala dhigay inaan sanad sanad u xuso fatuuxaadkii iyo dhacdooyinkii waqtigaasi dhacay, anigoo marba qaadaa dhigaya dhacdooyinkii ama fatuuxaadkii goballada.

Afarta Khaliif sida ay isugu xigaan oo ay u kala horreeyaan ayaan isugu xijiyey xagga qoraalkana, dabeetana lixda kalee kamidka ahayd tobankii jannada loogu bishaareeyey ayaan daba dhigay, anigoo qisooyinkooda aanan kusii dheeraan. Waxaad arkeysaa inaan qisooyinka qaar soo koobay, balse waxaan kusoo koobay qaab la fahmi karo oo uu qofku sawiran karo qisada oo dhan. Waxaanan Illoobin inaan waxyaabaha qaar sharaxaad ka bixiyo intii karaankeyga noqotay, sida magaalo ama meel magacadeed, ama bulsho, waxaana isku dayay inaan waadixiyo dhan waliba intii karaankeyga ahayd. Waxaan isticmaalay xarfa qaar ah oo aanan laga heleynin alfaabeetka Af Soomaaliga, waxaana kamid ah:

  1. Xarafka (Z) oo aan u isticmaalay xarafka 11aad ee alfaabeetka Carabiga.
  2. Xarafka (th) oo aan u isticmaalay xarafka 4aad ee alfaabeetka Carabiga. Waxaad arki kartaa eraya aan soo gaabiyey sida, ”CS” oo aan soo qaatay marka aan Nebi xuso, waxaana usoo gaabiyey Caleyhis Salaam. Sidoo kale waxaad arki kartaa iyana xuruufta ah ”SCW”, oo aan soo qaatay mar waliba oo aan xuso Nebigeenna suubban SCW, waxaana usoo gaabiyey, ”Sallaa Allaahu Caleyhi Wassalam”.

In kastoo aan dadaalay haddana waxaan aaminsanahay inaan iin iyo khalad laga waayeyn kitaabkan, waayo ma ahan mid kaamil ah, waana wax bini Aadan xaggiisa kayimid oo uu bini Aadami qoray, sidaa darteed wuxuu yeelan karaa siyaado iyo nusqaan, ma khaldamane waa Allaah oo qura, kitaabkiisa ayunbaana kaamil ah, wixii kasoo harayna waa wax nusqaan iyo saa’idba leh. Waxaan rajeyn inuu khaldaadkiisu xadyeesho idinka Alle. Lahjadda aan kuqoray, waxaan Alle ka baryi inay noqoto miday qowmyadda Somalida oo idil ay fahmi karayaan. Wixii dhanka lahjadda ka yimaado oo khaldaad ah ama fahamdarri ah, waa aan ka cududaaran, waxaana rajeyn inaan talooyinkiina heli doono hadduu Alle idmo, si aan kutubbada dambe ee aan soo saari doono uga faa’iideysto, anigoo tixgelinaya talooyinkii iyo fikradihiina saliimka ahi.

Kitaabkani waxaan kasoo xigtay kutubbada waaweyn ee taariikhda Islaamka, sida Al Bidaayah wan Nihaayah, iyo Dabaqaat Al Kubraa iwm, haba ugu badnaata halka aan kasoo qaatay kitaabka Ibnu Kathiir ee Al Bidaayah wan Nihaayah’e. Waxaa dhici karta in qisooyin daciifa ay dhici karaan inaan xusay ulakac la’aan, laakiin inta badan waxaan isku dayay aqwaasha rajaxsan inaan soo minguuriya.

Ula-Jeeddo

Hadafka ama ula jeeddada ugu weyn ee aan kitaabkani u qoray, waxaa weeye iyadoo umaddeenna Soomaaliyeed ay 100 % tahay ummad Muslim ah, jecelna diintooda Islaamka iyo inay bartaan taariikhdooda qiimaha badan. Kadib markii aan arkay in la heli karo casriyadii dahabiga ahaa ee Islaamka taariikhdiisii oo af weliba kuqoran, marka laga reebo afka Soomaaligaa, baa waxaan jecleystay inaan qoro casrigii dahabiga ahaa oo ku qoran afka Soomaaliga, si ay umadda Soomaaliyeed u bartaan taariikhdooda suubban.

Waxaa kaloo iyana jirtay codsi iiga imanayay asxaabteyda iyo dad badan oo ahlu kheyr ah, taasoo ay ku dalbanayeen inaan uqoro kitaab af Soomaali ah, si ay u bartaan taariikhdooda. Taariikhdu waa daraasad u muhiim ah bulsho kasto, Quraankeennuna wuxuu ka hadlay taariikhda saddex meelood meel kamid ah. Wuxuu xusay Quraanka kariimka ahi dhacdooyin tegey iyo kuwa soo socdo oo intuba ah taariikh, halka uu dhacdo weliba u xuso sida ugu quruxda iyo qiimaha badan, uguna fududaan og in la fahmo. Haddaba cibro iyo waano qaadasho ayaa kujirta, mana ahan oo qura akhri ee ka teg, balse waxay u baahantahay faham iyo ku camal fal jidkii wanaagsanaa ee raggani akhyaarta ahi mareen ee aanu taariikhdooda soo minguurinayna, ula jeedkuna waxaa weeye inaanu gaarno darajadii ay gaareen iyo inaanu qaadno jidkii iyo dariiqii ay mareen, anagoo dadaaleyna intii karaankeenna ah.

Mahad Naq

Waxaan ugu horrey u mahadnaqayaa Allaah, mahad aanan lasoo koobi karin, anigoo ku dheehan tasbiixdiisa iyo taxmiddiisa. Waa asaga Allaah ka ii fududeeyey howsha camalkan ee aanan sahlaneyn. Waxaana runtii aaminsanahay kaalmadiisa la’aanteeda inaanay waxba ii haggaagi lahayn, oo howshanna halka ay maanta gaadhay aanay gaari lahayd. Mahad aanan lasoo koobi karin ayaan Rabbigayoow!! kugu mahadin.

Alloow!! igu kaalmey inaan nimcooyinkaaga ka mahadnaqo, iyo inaan kudhinta xuskaaga.

Marka xigta waxaan u mahadnaqayaa dhammaan asxaabteyda qiimaha badan ee igala qayb qaadatay soo ifbaxa kitaabkan, kuwaasoona aan runtii magacyadooda soo koobi karin. Kuwii iyagu dhiirigelinta iyo fikradaha saliimka ahi aan ka helayay, ma illoobaya inaan u mahad celiya, waxaana dhammaantood ku oran:- Illaahay ha idin xifdiyo hana idin barakeeyo, adinka iyo dhammaan umadda Soomaaliyeedba, meel iyo waa’ ay joogaanba. Aamiin, aamiin, aamiin.

AKHRI: Qaybta 1aad…. (Taariikdii Abuu Bakar Sidiiq) …. GUJI HALKAN

Qore: Muxammed Daahir Cabdi
Email: mohamed1@live.fi

Siduu Utukan Jiray Nebiga

naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee

تلخيص صفة صلاة النبي صلى الله عليه و سلم

Qore

Sheekhul-Islaam
Maxamed Naasirud-diin al-Albaani

-Eebbe ha u naxariistee-

Turjume

CabdiRisaaq Maxamed Cilmi
“ina Warfaa”

Qof kasta ayaa xaq u leh inuu daabacdo tarjamada kitaabkan oo ma dhowrsana.

Weli lama daabicin kitaabkan

La soo xiriirka turjumaha ee ku saabsan kitaabkan: Haddii aad xiiseyneysid kitaabkan oo aad dooneyid inaad ogaato sidii lagu heli lahaa, iyo haddii aad ku aragtid khaladaad xagga tarjamada ah, Eebbe kaliya ayaa dhamaystirane ha kaa abaalmariyo. Waxaad fadlan kala soo xiriiri kartaa cinwaanka turjumaha kitaabkan bariidka xaasuubkiisa “e-mailkiisa” oo ah: ”ina_warfaa@hotmail.com”.


Mahadnaq

Waxa aan ugu horrayntii u mahadnaqayaa Eebbe, oo igu galadaystay nimcooyin tira badan oo aanan koobi karin. Ka dibna waxaan u mahadnaqayaa dhammaan dadkii igu caawiyey talo, fikrad iyo dhiiragalin. Waxaana idin leeyahay dhammaantiin جزاكم الله خيرا .

Hordhaca Turjumaha

بسم الله الرحمن الرحيم

Magaca Eebbaha Naxariistaha guud Naxariistaha gaar.

Waxaa mahad iska leh Eebbe Barbaariyaha uumanka, naxariis iyo nabadgelyana korkiisa ha ahaato uunkiisa kii ugu wanaagsanaa Maxamed, reerkiisa iyo intii raacdey.

Intaa ka dib:

Kani waa kitaab ka hadlaya Salaadda sidii ka sugneyd Nabiga naxariista Eebbe iyo nabadgalyadiisa korkiisa ha ahaatee.
Ulajeedadayduna waxay tahay in aan ugu dhawaado Eebbe, anigoo u turjumayo soomaalida jecel iney bartaan diintooda.

Waxaana weydiisanayaa Eebbaha weyn inuu howshan ka dhigo mid isaga dartiis loo sameeyay, nooguna daro miisaanka wanaagyadeena maalin aysan xoolo iyo caruur waxba tarayn.

Taariikh nololeedka qoraha oo kooban iyo tixraac qoraal

Kitaabkan ka hadlaya “Sida loo tukado salaadda” waxaan ka turjumey kitaabka la yiraahdo: ”Siduu u tukan jirey Nebiga naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee oo kooban” [تلخيص صفة صلاة النبي صلى الله عليه و سلم] ee uu qoray Sheekhul-Islaam Maxamed Naasirud-diin al-Albaani -Eebbe ha u naxariistee.

Imaam al-Albaani wuxuu ka mid ahaa culimada ugu waaweyn ee muslimiinta ee waqtigan aan joogno.

Dhalashadiisii

Wuxuu dhashay sheekh Maxamed Naasirud-diin ina Xaaji Nuux al-Albaani sanadka Hijrigu markuu ahaa 1333 Hijriya oo ku beegnayd sanadka Miilaadiga markey aheyd 1914 M, wuxuuna ku dhashay Ashqoodara oo ahayd magaalo-madaxdii Albaaniya xiligaasi.
Reerka sheekhuna waxay ahaayeen qoys diinta ku dhaqma oo aabihiisna wuxuu ahaa sheekh dadka diinta bara.

Sheekh Albaani wuxuu la soo qaxay reerkiisii oo la soo degey Dimishiq Suuriya, ka dib markii Axmed Saago ”boqorkii Albaaniya” ee xiligaasi uu qaatey ilbaxnimadii reer galbeedka ee ku dhisnayd in laga fogaado diinta ”Calmaaniyadda”.

Sheekhu wuxuu ku dhameystay waxbarashadiisii dugsiga hoose dugsi ku yaaley Dimishiq.

Sheekh Albaani aabihiis wuxuu baray Qur’aanka kariimka, sida loo akhriyo Qur’aanka tajwiidka, afka Carabiga, xeerarka afka (naxwaha) iyo rogrogmadkiisa (sarfiga) iyo diinta (mad-habta Xanafiga). Sheekhu wuxuu kale oo uu ka bartay mad-habta Xanafiga iyo afka Carabiga barayaal kale.

Barashadiisii Xadiiska

Sheekh Albaani wuxuu bilaabay barashada xaddiiska markuu jirey labaatan sano. Kitaabkii ugu horeeyay ee uu ka barto cilmiga xaddiiska wuxuu ahaa [المغني عن حمل الأسفار في تخريج ما في الإحياء من الأخبار] ee uu qorey sheekh al-Ciraaqi – Eebbe ha u naxariistee.

Kutubtiisii ugu horeysey ee uu qoro waxaa ka mid ah: [تحذير الساجد من اتخاذ القبور مساجد].

Wuxuuna qoray kutubo kale oo fara badan, waxaana ka mid ah:

[arabic-font]التوحيد أولاًَ يا دعاة الإسلام؛  سلسلةُ الأحاديث الصحيحة وشيء من فقهها وفوائدها؛ سلسلةُ الأحاديث الضعيفة والموضوعة وأثرها السيئ في الأمة؛  تمام المنة في التعليق على فقه السنة؛  أحكام الجنائز وبدعها؛  آداب الزفاف في السنة المطهرة؛  تحريم آلات الطرب؛  الثمر المستطاب في فقه السنة والكتاب؛  التوسل أنواعه وأحكامه؛  الحديث حجة بنفسه في العقائد والأحكام؛  كيف يجب علينا أن نفسر القرآن الكريم؛  إرواء الغليل في تخريج أحاديث منار السبيل؛  رسالة قيام رمضان؛  خطبة الحاجة؛  مختصر كتاب جلباب المرأة المسلمة؛  الجامعة الأجوبة النافعة عن أسئلة لجنة مسجد؛  إصلاح المساجد من البدع والعوائد؛  حكم تارك الصلاة؛  المسيح الدجال ونزول عيسى؛  التعليقات الرضية على الروضة الندية؛  التعليقات الحسان على صحيح ابن حبان؛  وجوب الأخذ بحديث الآحاد في العقيدة والرد على شبه المخالفين؛  الذب الأحمد عن مسند الإمام أحمد؛  نصب المجانيق لنسف قصة الغرانيق؛  الكسوف صفة صلاة النبي صلى الله عليه وسلم لصلاة؛  النصيحة بالتحذير من تخريب ابن عبد المنان؛  لكتب الأئمة الرجيحة؛  أحكامُ الركاز؛  أسماءُ الكتب المنسوخة من المكتبة الظاهرية؛  الاعتكافُ؛  الأمثالُ النبوية؛  الآياتُ والأحاديث في ذم البدعة؛  البرهانُ في رد العدوان؛  بينَ يدي التلاوة؛  تخريجُ أحاديث البيوع وآثاره؛  تصحيحُ حديث إفطار الصائم قبل سفره بعد الفجر والردُّ على من ضعفه؛  التصفيةُ والتربية وحاجة المسلمين إليهما؛  خلاصةُ السيرة؛  الدعوة السلفية أهدافها وموقفها من المخالفين لها؛  (الردُّ على رسالة: (إباحة التحلي بالذهب المحلق؛  الردُّ على رسالة: التعقيب الحثيث لعبدالله الهَرَري الحَبَشي؛  الرد على كتاب ظاهرة الإرجاء لسفر الحوالي؛  الردُّ المفحم على من خالف العلماء وتشدد وتعصب وألزم المرأةَ أنْ تسترَ وجهها وكفيها وأوجب ولم يقنعْ بقولهم إنَّه سنة ومستحب؛  الأحاديث الضعيفة والموضوعة في أمهات الكتب الفقهية؛  أحاديث الإسراء والمعراج؛  الرد على السقاف فيما سوده على دفع شبع التشبيه؛  – رياض الصالحين للإمام النووي رحمه الله – تخريج؛  الزوائد على الموارد؛  – سؤال وجواب حول فقه الواقع – فتوى؛  صحيح الأدب المفرد للبخاري؛  صحيح الترغيب والترهيب للمنذري؛  صحيح الجامع الصغير وزيادته؛  صحيح سنن ابن ماجه؛  صحيح سنن أبي داود؛  صحيح سنن الترمذي؛  صحيح سنن النسائي؛  – صحيح كشف الأستار عن زوائد البزار – للهيثمي؛  صحيح موارد الظمآن؛  صفة صلاة النبي صلى الله عليه وسلم من التكبير إلى التسليم كأنك تراها؛  صفة الفتوى والمفتي والمستفتي للشيخ ابن حمدان الحنبلي تحقيق وتعليق وتخريج؛  صلاة العيدين في المصلى خارج البلد هي السنة؛  صوت العرب تسأل ومحمد ناصر الدين يجيب جريدة صوت العرب 1380هـ؛  ضعيف الأدب المفرد للبخاري؛  ضعيف الترغيب والترهيب للمنذري؛  ضعيف الجامع الصغير؛  ضعيف سنن ابن ماجه؛  ضعيف سنن أبي داود؛  ضعيف سنن الترمذي؛  ضعيف سنن النسائي؛  ضعيف كشف الأستار عن زوائد البزار ، للهيثمي؛  ضعيف موارد الظمآن؛  العقيدة الطحاوية شرح وتعليق وتخريج؛  العلم ، لابن أبي خيثمة – تحقيق وتخريج؛  غاية المرام في تخريج أحاديث الحلال والحرام للقرضاوي؛  – فتنةُ التكفير – فتوى؛  فتوى في حكم تتبع آثار الأنبياء والصالحين؛  فهرس المخطوطات الحديثية في مكتبة الأوقاف الحلبية؛  فهرس مخطوطات دار الكتب الظاهرية؛  الفهرس المنتخب من مكتبة خزانة ابن يوسف مراكش؛  قاموس البدع؛  كشف النقاب عما في كلمات أبي غدة من الأباطيل والافتراءات؛  مجموع الفتاوى؛  مذكرات الرحلة إلى مصر؛  المستدرك على المعجم المفهرس لألفاظ الحديث؛  معجم الحديث؛  مناسك الحج والعمرة في الكتاب والسنة وآثار السلف؛  منتخبات من فهرس المكتبة البريطانية؛  المنتخب من مخطوطات الحديث في المكتبة الظاهرية؛  منزلة السنة في الإسلام وبيان أنه لا يستغنى عنها بالقرآن؛  نقد كتاب التاج الجامع للأصول؛  النصيحة بالتحذير من تخريب ابن المنان لكتب الأئمة الرجيحة وتضعيفه لمئات الأحاديث الصحيحة؛  وجوب الأخذ بحديث الآحاد في العقيدة؛  وصف الرحلة الأولى للحجاز والرياض مرشداً للجيش السعودي أثناء عودته للمملكة بعد حرب فلسطين عام 1948؛  اقتضاء العلم العمل للخطيب البغدادي – تحقيق وتخريج[/arabic-font]

iyo kitaabkeenan:

[arabic-font]تلخيص صفة صلاة النبي صلى الله عليه و سلم[/arabic-font]

Ardaydiisii:

Waxaa ka mid ah ardaydiisii Suuriya Dimishiq: Sheekh Xamdi CabdilMajiid as-Salafi, Sheekh Cali Khashaan, Sheekh Maxamed Ciid Cabbaasi, Sheekh Maxamed Ibraahin Shaqra, Sheekh Nabiil al-Kayaal, Sheekh Maxamed Jamiil Ziinu

Waxaa ka mid ah ardaydiisii Urdun, Cammaan: Sheekh Cali ina Xassan al-Xalabi al-Athari, Sheekh Saliim al-Hilaali, Sheekh Mash-huur Xassan reer Salmaan, Sheekh Xuseen al-Cuwaysha, Sheekh Maxamed Muuse Nasri, Sheekh aw Yusri Axmed al-Khashaab, Iyo kuwo kale oo fara badan.

Ustaadnimadiisii:

Wuxuuna ustaad ka ahaa jaamacadda Islaamka ee Madiina al-Munawara muddo saddax sano ah 1381-83 H. oo ku beegnayd 1961-63 ee miilaadiga, isagoo ka dhigayey maadada cilmiga Xaddiiska.

Amaantii ay culimada amaaneen

Wuxuu yiri muftigii Sacuudiga ee hore al-Callaama Sheekh CabdiCasiis ina Baaz – Eebbe ha u naxariistee: “Ma jiro waqtigan aan joogno qof ka yaqaan Sheekh Albaani nolosha Nabiga iyo cilmiga xadiiska.” Waxaa la weydiiyay Sheekh ina-Baaz xadiiska Rasuulka Eebbe naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee: “Eebbe wuxuu usoo saaraa ummaddan boqolkii sannadba qof usoo nooleeya diintooda.” Haddaba waa kuma mujaddidka qarnigan aan joogno? Wuxuuna yiri sheekh ina-Baaz Eebbe ha u naxariistee: “Sheekh Maxamed Naasirud-diin al-Albaani ayaa ah mujaddidka casrigeena sidaan u maleynayo Eebbaana ugu og.”

Wuxuu sidoo kale yiri: “Ma garanayo waqtigeena qof nool oo ka cilmi badan Sheekh Albaani.”

[arabic-font]قال العلاّمة عبدالعزيز بن باز المفتي السابق للمملكة العربية السعودية رحمه الله؛ ما رأيتُ تحت أديم السماء عالماً بالحديث في العصر الحديث مثل العلاَّمة محمد ناصر الدين الألباني؛  وسُئل الشيخ ابن باز عن حديث رسول الله صلى الله عليه و سلم: إنَّ اللهَ يبعثُ لهذه الأمَّة على رأس كلّ مائة سنة مَن يُجدّد لها دينها؛  مَن هو مُجدّدُ هذا القرن؟ فقال رحمه الله؛  الشيخ محمد ناصر الدين الألباني هو مُجدّدُ هذا العصر في ظنّي والله أعلم؛  وقال أيضاً: لا أعلمُ تحت قُبَّة الفلك في هذا العصر أعلم من الشيخ[/arabic-font]

Wuxuuna yiri al-Callaama sheekh Muqbil al-Waadici -Eebbe ha u naxariistee-:

Run ahaantii waxaan kula talinayaa arday kasta oo barta diinta inuu heysto kutubta sheekh Albaani, Eebbaana og inaan soo gato kitaab kasta oo soo baxa oo uu leeyahay sheekh Albaani, si aan uga faaideysano kutubtiisa.

-قال العلامة الشيخ مقبل الوادعي -رحمه الله

و إني أنصح كل طالب علم بالحرص على اقتناء كتب الشيخ ، ويعلم الله أني ما أعلم بكتاب له يخرج إلا وبادرت إلى اقتنائه… .ويعلم اننا لا نزال نزداد علما بسبب كتب الشيخ

Wuxuuna yiri sheekh Rabiic al-Madkhali
-Eebbe ha dhowree- :

Aniga waxay ila tahay xagga akhriska kutubta sheekh Albaani inuu kaga dheereeyo ina Taymiya iyo ina Xajarba.

قال العلامة ربيع بن هادي المدخلي حفظه الله

أنا أرى في الإطِّلاع أنه ما لحقه لا ابن تيمية و لا ابن حجر .في الاطلاع على الكتب

Dardaarankii sheekh Albaani

Waxaan u dardaarmayaa in loo hadiyeeyo kutubteyda oo dhan maktabada jaamacadda Islaamka ee Madiina almunawara.

Dhimashadiisii

Sheekh Albaani wuxuu dhintey maalin sabti ah bishuna ahayd Jumaadil-aakhira laba iyo labaatankeedii sanadkii 1420 H oo ku beegnayd labadii bishii tobnaad sanadkii 1999 M, waxaana la aasay salaadda cishaha ka dib Eebbe ha u naxariistee.

Turjumaha
Helsinki jimce 8.7.1429 H. oo ku aaddan 11.7.2008 M.


Hordhaca Qoraha

Magaca Eebbaha Naxariistaha guud Naxariistaha gaar

Waxay mahadi u sugnaatay Eebbe oo aanu ku mahadinayno kaalmo weydiisaneyno dembidhaaf weydiisaneyno, waxaana Eebbe ka magangeleynaa xumaanta nafsadyaalkanaga iyo xumaanta acmaasheena, qofkuu Eebbe hanuuniyo ma baadiyoobo. Waxaana ka marqaati kacayaa inuusan Eebbe jirin Eebbaha keligiis mooyee mana jira qof wax la wadaaga, waxaana ka marqaati kacayaa inuu Maxamed yahay Addoonkiis iyo Rasuulkiisa naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee isaga iyo reerkiis iyo intii raacday,

Intaas ka dib, wuxuu ii soo jeediyay walaalkey Zuheyr ash-Shaawiish milkiilaha madbacadda
al-Maktab al-Islaami inaan soo koobo kitaabkeygan:

صفة صلاة النبي صلى الله عليه وسلم” من التكبير إلى التسليم كأنك تراها

si ay ugu sahlanaato dadweynaha.

Markaan ogaaday inay tahay talo wanaagsan oo aan anigu nafsad ahaanteyda ku fekerayey isla arinkaas muddo fog. Waxay arinkaasi igu dhiirigelisay inaan ku dhaqaaqo oo aan ka dhabeeyo taladii la ii soo jeediyay intii karaankeyga ah, inkasta oo uu waqtiga aad iigu yar yahay acmaashayda cilmiga oo fara badan darteed, waxaana weydiisanayaa Gargaaraha Kor ahaaye ee Hufnaa inuu ka dhigo mid loo sameeyay Wajigiisa sharafta badan darteed, uuna ka dhigo mid ay ka faaideystaan walaalaheyga Muslimiinta.

Waxaan ku sheegay kitaabkeygan faaidooyin dhowr ah oo aan ku sheegin kitaabkii aan ka soo koobay ee ahaa ” الصفة ” oo aan ka gadaal ku baraarugey, jeclaystayna inaan ku sheego kitaabkan aan soo koobay, sidoo kale waxaan xoogga saaray inaan sharxo qaar ka mid ah erayada ku soo arooray qaar ka mid ah weerooyinka xaddiisyada ama adkaarta.

Waxaana u sameeyay cinwaano lagu garto mowduuca aan ka hadlayo iyo kuwo kale oo fara badan oo aan sii caddeeyay. Waxaan u sameeyay tirooyin taxane ah masaa’ilka uu ka hadlayo kitaabka. Waxaana uga hadlay mas’alad kasta dhinaceeda hadday tahay wax loo baahan yahay ركن iyo waajibba, wixii laga aamusay in la caddeeyo xukunkiisa wuxuu ka mid yahay sunnooyinka, qaar ka mid ahse waxaa laga yaabaa inay noqdaan waajib, in laga qaato go’aankii ugu dambeeyay kan ama kaas wuxuu ka hor imanayaa cilmi-baarista.

الركن: Waa wax loo baahan yahay haddaan lala imaanna arinkaas way bureysaa salaaddii sida tusaale ahaan: rukuucda salaadda waa wax loo baahan yahay, haddii aan lala imaanna ay bureyso salaaddii.

الشرط: Shardi waa sida: الركن oo kale inkastoo uusan salaadda ka tirsaneyn shardigaas sida: weysada tusaale ahaan salaadda oo weyso la’aan la tukadaa ansixi meyso salaadda.

الواجب: Waajibka waa waxa sugan ee la isku faray Kitaabka ama Sunnada, daliilna uusan lahayn inuu yahay mid loo baahan yahay iyo inuu yahay shardi, qofkii sameeyana uu leeyahay ajar loona ciqaabayo qofkii ka taga cudur la’aan.

Waxaa la mid ah (الفرض): Fardiga iyo waajibka in la kala saaro waa eraybixin cusub oo aan daliil lahayn.

السنة: Sunnada waa falal ka mid ah cibaadooyinkii Nabiga n.n.k. uu mar walba samayn jirey ama sida badan, uusanna farin inay waajib tahay, qofkii la imaadana uu leeyahay ajar, qofkii ka tagana aan loo ciqaabeyn.

Xaddiiskase ay sheegaan qaar ka mid ah Muqalidiinta iyagoo u tiirinaya Nabiga n.n.k. ee oranaya:

” من ترك سنتي لم تنله شفاعتي “

Qofkii ka taga Sunnadayda ma helayo Shafaacadayda.

Kama sugnaanin Rasuulka n.n.k. hadduu arinka sidaas yahayna lama oggola in loo tiiriyo Nabiga n.n.k. adigoo ka cabsanaya inaad masabidato, oo maxaa yeelay Nabigaa n.n.k. wuxuu yiri:

” من قال عليَّ ما لم أقل فليتبوأ مقعده من النار” .
Qofkii yiraahda waxaan oran ha u sii diyaar garoobo inuu geli doono Naarta.

Waxaana hadalka intaas ku darayaa in la sii ogaado inaanan raacin Mad-hab gaar ah oo ka mid ah madaahibta afarta ah ee ay dadku haystaan markaan qorayey kitaabkan midkii aan ka soo koobay ee waxaan raacay mad-habka Ahlu-xaddiiska kuwaasoo ku dhaqmaan Xaddiis kasta oo ka sugnaaday Nabiga n.n.k., sidaas darteed mad-habka Ahlu-xaddiiska waa kan ugu wanaagsan madaahibta oo dhan, sida ay qireen arintaasi kuwa runlowyaasha ah ee ka tirsan mad-hab kasta, waxaana ka mid ah al-Callaama aw Xassanaat al-Laknawi ee Xanafiga ahaa kaasoo oranayey:

” وكيف لا وهم ورثة النبي صلى الله عليه وسلم حقاً. ونواب شرعه صدقاً، حشرنا الله في زمرتهم ، وأماتنا على حبهم وسيرتهم

Maxaysan u ahayn, Ahlu-xaddiisku waa kuwa sida dhabta ah u dhaxlay Nabiga n.n.k., Ahna kuwa matalaya Shareecadiisa dhab ahaan, Eebbana ha nala soo bixiyee, hana dilo anagoo jecel Ahlu-xaddiiska raacaynana jidkoodii.
ورحم الله الإمام أحمد بن حنبل إذ قال:
دين النبي محمد أخبار نعم المطية للفتى آثارُ لا تـرغبن عن الحديث وألـه فالرأي ليـل والـحديث نهـارُ ولربـما جهل الفتى أثر الهدى والشـمس بازغـةٌ لـها أنـوارُ

Eebbana ha u naxariisto Imaam Axmed ina Xanbal kaasoo yiri:

Diinta Nabi Maxamed waa wax la soo tebiyey “akhbaar” maxay macno ku fadhidaa dhalinyaraduna waxay u tahay warbixino “aathaar”. Ha ka jeesan Xaddiiska iyo dadkiisa. Ra’yigu waa habeen, Xaddiiskuna waa maalin. Waxaana laga yaabaa qofka dhalinyarada ah inuusan aqoon u lahayn meesha hanuunka yaallo iyadoo qorraxdii soo baxday si aad ahna u ifeyso.

Dimishiq 26.2.1392

Maxamed Naasirud-diin al-Albaani


Ujeedsashada Kacbada xaggeeda

1- Haddii aad tukaneysid salaad muslim yahow ujeeso Kacbada xaggeeda meeshii aad joogtidba hadday ahaan lahayd salaad waajib ah iyo sunno, waana tiir ka mid ah tiirarka salaadda taasoo aysan ansaxayn la’aanteed.

2- Lagama rabo inuu u jeesto Kacbada dadka dagaalamaya markay tukanayaan salaadda cabsida صلاة الخوف iyo markuu jiro dagaal daran.

. Qofkase aan awoodin waa sidii qof xanuunsan oo kale ama qof markab ama gaari ama diyaarad ku jira hadduu ka cabsado inuu waqtiga baxo.

. Waxaase wanaagsan qofka tukanaya sunno ama Witar isagoo saaran xoolo ama gaadiid hadduu awoodo inuu u jeesto Qiblada xaggeeda markuu xiranayo salaadda, dabadeedna uu qabto wadadiisii.

3- Waxaa ku waajib ah ku kasta oo arkaya Kacbada inuu u jeesto xaggeeda, qofkase aan arkaynin wuxuu u jeesanayaa dhinaceeda.

Qofkase u tukada meel aan Kacbada ahayn isagoo garaneynin:

4- Haddiise uu u tukado meel aan ahayn Qiblada, daruur ama wax kale oo jira darteed, markuu isku dayey ka dib intii karaankiisa ah meesha ay ku aaddan tahay Kacbada, salaaddiisu waa ay ansaxaysaa, mar kalena tukan maayo.

5- Haddiise uu u yimaado qof uu ku kalsoon yahay isagoo tukanayo oo uu u sheego dhinaceeda, waa inuu u jeesto dhinaceeda, salaaddiisuna waa ay ansaxaysaa.

Istaagga oo lagu tukado:

6- Waxaa waajib ah inuu qofka isagoo taagan tukado waana wax loo baahan yahay, qofkaan ka ahayn:

. Qofka tukanaya salaadda cabsida صلاة الخوف uuna jiro dagaal daran, waa loo oggol yahay inuu tukado isagoo wax saaran, qofka xanuunsan ee aan awoodin inuu istaago, markaasi wuxuu tukanayaa isagoo fadhiyo hadduu awoodo, haddiise uusan awoodin wuxuu u tukanayaa dhinac dhinac. Qofkase tukanaya salaad aan waajib ahayn wuxuu tukan karaa isagoo wax saaran ama fadhiya hadduu doono. Wuxuuna rukuucayaa oo uu sujuudayaa isagoo madaxa hoos u dhigaya, sidaas oo kale qofka xanuunsan, waana inay ahaataa sujuuddiisa mid ka hooseysa rukuucdiisa.

7- Loomana oggola qofka tukanaya isagoo fadhiya inuu dhigto wax kor uga soo qaadsan dhulka si uu korkiisa ugu sujuudo, ee wuxuu ka dhigayaa sujuuddiisa mid ka hooseysa rukuucdiisa sidaan horey ku soo sheegnay hadduusan awoodin inuu saaro madaxiisa dhulka.

Salaadda lagu tukado doonta iyo diyaaradda:

8- Wuuna ku tukan karaa salaadda waajibka ah doonta iyo sidoo kale diyaaradda.

9- Markuu ku tukanayo doonta iyo diyaaradda waa uu fadhiisan karaa hadduu u cabsado nafsaddiisa inuu dhaco.

10- Waana loo oggol yahay inuu ku tiirsado markuu kacayo tiir ama ul waayeelnimo darteed ama tabar la’aan.

Salaadda oo lagu tukado istaag iyo fadhi:

11- Waana loo oggol yahay inuu ku tukado salaadda habeenka istaag ama fadhi cudur-daar la’aan ama uu kulmiyo labadoodaba oo uu tukado akhriyana isagoo fadhiyo, oo uu kaco markuu rukuuci rabo wax yar ka hor akhriyana inta u harsan ee Aayado ah isagoo taagan, dabadeedna rukuuca oo sujuuda, ka dibna sameeya sidaas oo kale Rakcada labaad.

12- Hadduu ku tukanayo fadhi wuxuu u fadhiisanayaa lugihii oo isdhaafsiisan ama wuxuu u fadhiisanayaa siduu doono.

Qofka isagoo kabo wata tukanaya:

13- Waana loo oggol yahay inuu istaago isagoo kabo wadan sidoo kalena waa loo oggol yahay inuu tukado isagoo wata kabo.

14- Waxaase wanaagsan inuu u tukado marna sidaas marna sida kale, hadba sida u fududaato, isku kalifi maayo inuu gashto kabo si uu u tukado ama iska siibo, ee hadduu kabo wadan sidaas ayuu ku tukanayaa, haddiise kabo uu wato wuxuu ku tukanayaa kabihiisa iney duruufi si ku kalifto mooyee.

15- Haddiise uu iska siibo kabihiisa yuusan dhigin midigtiisa ee wuxuu dhigayaa bidixdiisa hadduusan ku tukaneynin bidixdiisa qofna, haddiise uu ku tukanayo wuxuu dhigayaa labadiisa lugooda dhexdooda , sidaasna waxaa faray oo uu ka sugnaaday Nabiga n.n.k..

Salaadda oo lagu tukado minbarka korkiisa:

16- Waa loo oggol yahay Imaamka inuu ku tukado meel dhulka ka sareysa si dadka uu u baro, meeshii ayuu ku dul istaagayaa isagoo xiranaya salaadda ka dibna intuu akhriyo ayuu ku dul rukuucayaa, dabadeed ayuu xagga dambe u soo degayaa si uu dhulka ugu sujuudo Minbarka hoostiisa, ka dibna halkii ayuu ku noqonayaa wuxuu samaynayaa rakcada kale siduu sameeyay rakcadii hore.

Waajibnimada salaadda in la dhigto daah loona dhawaado:

17- Waxaa waajib ah marka uu tukanayo inuu dhigto daah, waana isku mid markuu ku tukanayo masjidka iyo meel kaleba iyo inuu masjidka weyn yahay ama yar yahay sida guud ee Xaddiiska Nabigu n.n.k. tilmaamayo:

Markaad tukanaysid ha ahaado daah hortaada, yuusan hortaada marin qofna, hadduu ku adkaysto inuu marana, la dagaalan maxaa yeelay wehel buu wataa, ”yacni Shaydaan”

“لا تصل إلا ‘إلى سترة، ولا تدع أحداً يمر بين يديك ، فإن أبى فلتقاتله فإن معه القرين”.

18- Waxaana waajib ah inuu u dhawaado daaha, maxaa yeelay sidaas waxaa faray Nabiga n.n.k..

19- Waxaa u dhexeeyay meeshii uu Nabiga n.n.k. ku sujuudayey iyo darbigii uu xaggiisa u tukanayey waxay ahayd meel ku dhawaad ay mari karto uun ido. Sidaas darteed qofkii sidaas sameeya wuxuu la yimid dhawaanshihii waajibka ahaa.

Dhererka daaha uu ka sareynayo dhulka:

20- Waa inuu daaha dhulka ka sareeyaa ugu yaraan taako ama labo taako, maxaa yeelay Xaddiiska Nabiga ayaa oranaya:

Hadduu qof hortiisa dhigto sida qaybta dambe ee kooraha geela, ha tukado oo yuusan dan ka gelin wixii ka dambeeya.

” إذا وضع أحدكم بين يديه مثل مؤخرة الرحل فليصل، ولا يبالي من وراء ذلك”.

21- Wuxuuna ugu jeesanayaa daaha si toos ah, maxaa yeelay waxa muuqata in la is faray marka uu tukanayo inuu u jeesto daaha xaggiisa, haddiise daaha uu uga jeesto midig ama bidix oo uu markaasi si toos ah ugu aaddanayn ma aysan sugnaanin.

22- Waana la oggol yahay inuu u tukado xaggeeda ul dhulka ku dhaggan ama wax la mid ah, geed xaggiisa ama tiir iyo xaaskiisa xaggeeda taasoo ku jiifta sariirta oo ku hoos jirta busteheeda iyo xoolaha gaadiidka u ah xaggooda haba ahaadee geel.

Lama oggola salaadda in loo tukado xabaasha xaggeeda:

23- Lamana oggola salaadda in loo tukado xabaasha xaggeeda sideedaba hadday ahaan lahaayeen Nabiyaal ama kuwo kaleba.

Lama ogola in la hormaro qofka tukanaya hortiisa haba ahaatee Masjidka Xaramka:

24- Lamana oggola in la hor maro qofka tukanaya hortiisa kaasoo horyaala daah, taasna kuma kala duwana masjidka Xaramka iyo masaajidyada kale dhamaantood waa isku mid oo lama oggola Xaddiiska Nabiga n.n.k. macnihiisa guud darteed ee oranaya:

Hadduu garan lahaa qofka hor maraya qof tukanaya hortiisa ”dambiga” uu ku dhacayo dartiis wuxuu istaagi lahaa afartan oo uu sugi lahaa intuu hormari lahaa. Yacni uu hormaro qofka tukanaya iyo daahiisa dhexdooda.

” لو يعلم المار بين يدي المصلي ماذا عليه لكان أن يقف أربعين، خيراً له من أن يمر بين يديه”. يعني المرور بينه وبين موضع سجوده

Waajibnimada qofka tukanaya inuu u diido qofka hormaraya haba ahaatee Masjidka Xaramka:

25- Lamana oggola inuu u oggolaado qofka u tukanaya daaha xaggiisa inuu hormaro qof Xaddiiska aan soo dhaafnay dartiis:

” ولا تدع أحداً يمر بين يديك…” iyo Xaddiiskan Nabiga n.n.k. ee oranaya:

Qofka hadduu u tukanayo wax dadka ka daboolaya xaggiisa, uu qof doono inuu hormaro ha iska celiyo oo ha iska riixo oo ha iska celiyo intuu awoodo … (Xaddiis kale ayaa wuxuu oranayaa: Ha iska celiyo laba jeer), hadduu diidana ha la dagaalamo oo uun Shaydaan weeyee.

” إذا صلى أحدكم إلى شيء يستره من الناس، فأراد أحد أن يجتاز بين يديه فليدفع في نحره، وليدرأ ما استطاع، (وفي رواية: فليمنعه مرتين)، فإن أبى فليقاتله فإنما هو شيطان”.

In hore loo socdo si uusan qof u marin hortaada:

26- Waana loo oggol yahay inuu talaabo horay ugu qaado ama in ka badan si uusan u hormarin hortiisa naflayda aan caqliga lahayn sida xoolo ama caruur si markaasi u maro gadaashiis.

Waxa burinaya salaadda:

27- Muhimadda daaha uu leeyahay marka salaadda lagu jiro waxay ka reebeysaa qofka u tukanaya daaha xaggiisa inuu qof hormaro oo aysan salaaddiisa halkaasi ku burin, oo halka qofka daah samaysan ay salaaddiisa ku bureyso, hadday soo hormarto qof dumar ah iyo sidoo kale dameer iyo eey madow.

Niyada:

28- Waxaa laga maarmaan ah qofka tukanaya inuu qalbiga ka niyeysto salaadda uu tukanayo sida salaadda duhurka ama casirka ee waajibka ah ama tusaale ahaan sunnooyinkooda, waana shardi ama waa tiir. Haddiise uu qofku afka kaga dhawaaqo salaadda uu tukanayo taasi waa Bidco oo kuma soo aroorin Sunnada, mana oran sidaas mid ka mid ah imaamyada ay raacaan kuwa Muqalidiinta ah.

Takbiirta:

29- Ka dibna wuxuu ku bilaabanayaa salaaddiisa isagoo leh: ” الله أكبر” waana tiir sida uu dhigayo Xaddiiska Nabiga n.n.k. ee oranaya:

Furaha salaadda waa daahirnimada, waxaana salaadda lagu xirtaa Takbiirta: “Allaahu akbar”, waxaana salaadda looga baxaa adigoo salaama naqsada.

“مفتاح الصلاة الطهور، وتحريمها التكبير، وتحليلها التسليم”.

30- Korna uguma qaadayo codkiisa Takbiirta salaad kasta inuu Imaam yahay mooyee.

31- Waana la oggol yahay inuu Muaddinka gaarsiiyo dadka Takbiirta imaamka haddii sidaas loo baahdo sida inuu imaamka xanuunsanayo, codkiisa uu hooseeyo ama ay badan yihiin dadka gadaashiis ku tukanaya.

32- Ma oranaya qofka la tujinaya Takbiirta marka uu imaamka yiraahdo ka dib mooyee.

Kor u qaadidda gacmaha iyo sida loo qaadayo:

33- Wuxuuna kor u qaadayaa gacmihiisa markuu Takbiiranayo ama ka hor ama ka dib intaba waxay ku soo arooreen Sunnada.

34- Waxaana kor loo qaadayaa gacmaha iyagoo farahooda fidsan yihiin.

35- Wuxuuna u dhaweynayaa gacmihiisa “baabacadiisa” isagoo la simaya garabkiisa, mararka qaarkoodna gacmihiisa intaas wuu ka sii sareysiinayaa isagoo la simaya dhinacyada dhegihiisa.

Gacmo saaridda iyo sida loo saarayo:

36- Dabadeedna wuxuu gacantiisa midig saarayaa gacantiisa bidix korkeeda markuu Takbiirto ka dib, waxayna ka mid tahay sunnooyinka Nabiyaalka n.n.k., wuxuuna Rasuulka Eebbe faray sidaas Asxaabtiisa ee lama oggola inuu qofka gacmihiisa laalaadiyo

37- Wuxuu gacantiisa midig saarayaa gacantiisa bidix korkeeda, curcurkiisa iyo dhudhunkiisa.

38- Marna gacantiisa midig wuxuu ku qabanayaa gacantiisa bidix .

Meesha gacmaha la saarayo:

39- Gacmihiisa wuxuu saarayaa xabadkiisa oo kaliya, arinkaasna way ka siman yihiin ragga iyo dumarka.

40- Lamana oggola inuu saaro gacantiisa midig sabarkiisa ”dhexda qofka”.

In la khushuuco oo la eego goobta lagu tukanayo:

41- Marka uu tukanayo waa inuu khushuucsanaadaa, waana inuu iska ilaaliyaa waxa u diidaya inuu feejignaado hadday ahaan lahaayeen naqshado ama wax sharsharaxan, yuusanna tukan iyadoo hortaalo cunto uu jecel yahay ama uu isku celinayo kaadi iyo xaar.

42- Wuxuuna eegayaa marka uu taagan yahay goobta uu ku sujuudayo.

43- Mana u jeesanayo midigta iyo bidixdaba maxaa yeelay u jeesashada waa dafid uu xadayo Shaydaanka addoonka salaaddiisa.

44- Lamana oggola inuu eego cirka.

Ducada lagu furanayo salaadda:

45- Dabadeed wuxuu ku bilaabanayaa akhrinta qaar ka mid ah ducooyinka ka sugnaaday Nabiga n.n.k. wayna fara badan yihiin waxaana ugu caansan:

” سبحانك اللهم وبحمدك، وتبارك اسمك، وتعالى جدك، ولا إله غيرك”.

Waxaana sugnaatay inuu Nabiga n.n.k. sidaas faray, waana in la sameeyaa.

Akhrinta:

45- Dabadeed waxaa waajib ah qofka tukanaya inuu Eebbe ka magangalo Shaydaanka waana dembi hadduu ka tago.

46- Waxaana Sunna ah inuu yiraahdo mar:

” أعوذ بالله من الشيطان الرجيم، من همزه ونفخه، ونفثه”

48- Marna wuxuu leeyahay:

” أعوذ بالله السميع العليم، من الشيطان…” الخ.

49- Dabadeedna wuxuu si hoos ah u leeyahay salaadda kor loo akhriyo iyo midda hoos loo akhriyaba:

” بسم الله الرحمن الرحيم “.

Akhrinta Faatixada:

50- Ka dibna wuxuu akhrinayaa suuradda Faatixada siday u dhan tahay, Bismillaahina iyaday ka tirsan tahay, waana tiir salaadna ma ansaxayso Faatixada la’aanteed, waana ku waajib dadka aan ku hadlin afka carabiga ”Cajamta” inay kor ka bartaan.

51- Qofkase aan awoodin waxaa ku filan inuu yiraahdo:

” سبحان الله، والحمد لله، ولا إله إلا الله، الله أكبر ولا حول ولا قوة إلا بالله “.

52- Waxaana Sunna ah marka uu akhrinayo Faatixada inuu Aayad Aayad u akhriyo, uu ku dul istaago Aayad kasta bilowgeeda, oo uu yiraahdo:

(بسم الله الرحمن الرحيم)

dabadeed istaago, haddana yiraahdo:

(الحمد لله رب العالمين )

dabadeed istaago, haddana yiraahdo:

(الرحمن الرحيم)

dabadeed istaago, haddana yiraahdo:

(مالك يوم الدين)

dabadeed istaago, sidaas ayuuna ku wadayaa ilaa dhamaadkeeda.

Sidaas ayeyna ahayd akhrinta Nabiga n.n.k. dhamaanteed, wuxuu ku istaagi jirey Aayadaha bilowgooda, kumana qaban jirin midda ka dambeysa, haba la xiriirto macno ahaan.

53- Waana loo akhrin karaa labadoodaba:
(مالكِ) iyo (مَلِكِ).

Akhrinta qofka ku daba tukanaya:

54- Waana in qofka la tujinayo uu imaamka gadaashiis uu akhriyaa salaadda hoos loo akhriyo.

Iyo sidoo kale salaadda kor loo akhriyo hadduusan maqlaynin akhrinta imaamka amase uu yara aamuso imaamka markuu akhriyey ka dib aamusid uu akhrin karo, inkasta oo aynu qabno aamusiddaasi ineysan ku sugnaanin Sunnada.

Akhrinta Faatixada ka dib:

55- Waxaa Sunna ah in la akhriyo Faatixada ka dib Suurad kale xattaa salaadda Janaazada ama qaar ka mid ah Aayado labada rakco ee hore.

56- Waana la dheereynayaa akhrinta Faatixada ka dib mararka qaarkood, marmarna waxaa loo gaabinayaa safar dartiis ama qufac ama xanuun ama oohinta ilmaha.

57- Akhrintana waxay ku xiran tahay salaadda oo salaadda subax akhrinteeda waa midda ugu dheer salaadaha shanta ah, dabadeedna sidan ayey iskugu xigaan duhurka, casirka, cishaha iyo maqribka sida badan.

58- Akhrinta salaadda habeenka ayaa ugu dheer intoodaba.

59- Waxaana Sunna ah akhrinta inay rakcada koowaad ka dheer tahay midda labaad.

60- Waana iney akhrinta labada rakco ee u dambeeya ahaadaan kuwo ka gaaban labada hore ku dhawaad bar.

Akhrinta Faatixada rakcad kasta:

61- Waana in la akhriyaa Faatixada rakcad kasta.

62- Waxaana Sunno ah Faatixada ka dib in la akhriyo akhrin kale labada rakco ee u dambeeya sidoo kale mararka qaarkood.

63- Lamana oggola inuu imaamka akhrinta ka dheereeyo intii ku soo aroortay Sunnada, maxaa yeelay waa intaasoo uu dhibsadaa qof ku daba tukanaya oo waayeel ah ama xanuunsan ama qof dumar ah oo ilmo nuujisa ama qof dan leh.

Kor u qaadidda iyo hoos u dhigidda akhrinta:

64- Wuxuu kor u qaadayaa akhrinta salaadda subax, Jimcada, labada Ciid, Roob-doonka, Qorrax-madoobaadka iyo labada rakco ee Maqribka iyo cishaha.

Wuxuuna hoos u akhrinayaa salaadda Duhur iyo casir iyo rakcada saddaxaad ee maqribka iyo labada rakcad ee ugu dambeeya cishaha.

65- Wuuna maqashiin karaa imaamka salaadda hoos loo akhriyo Aayad mararka qaarkood.

66- Witarkase iyo salaadda habeenka marna hoos ayuu u akhrinayaa marna kor ayuu u akhrinayaa, waana inuu dhexdhexaad ka dhigaa kor u qaadidda codka.

Inuu qurxiyo akhrinta oo uusan degdeg ku akhrin:

67- Waxaa Sunna ah in Qur’aanka lagu akhriyo si degdeg ahayn, lana degdegeynin, hase ahaatee akhrin loo fahmayo xaraf xaraf, waana in lagu akhriyaa cod quruxsan, isaga oo ugu akhrinayo cod waafaqsan xeerarka Tajwiidka, lamana doonayo in loo akhriyo si aan waafaqsanayn axkaamtaas.

In la saxo imaamka:

68- Waana loo oggol yahay qofka la tujinaya inuu saxo imaamka hadduu akhrinta isku qaso.

Rukuucda:

69- Marka uu dhameeyo akhrinta wuxuu aamusayaa xoogaa, inta ay ka noqoneyso neefsashadiisa caadi.

70- Dabadeedna wuxuu kor ugu qaadayaa gacmihiisa sidaan kor ku soo sheegnay markii uu salaadda xiranayey ee uu lahaa Takbiirta.

71- Waxaana waajib ah inuu Takbiirto yiraahdo ”Allaahu akbar”.

72- Dabadeedna wuu rukuucayaa inta ay ka xasilayaan isgoysyadiisa, xubin kastana ay ahaaneyso meesheeda, sidaasna waa tiir.

Sida loo rukuuco:

73- Gacmihiisna wuxuu u dul saarayaa jilbihiisa si adag, wuxuuna kala feydayaa farihiisa sidii inuu qabanayo jilbihiisa, sidaas oo dhanna waa waajib.

74- Wuxuuna dheereynayaa dhabarkiisa uuna simayaa, sida xattaa haddii dhabarkiisa lagu kor shubo biyo ay ku xasili lahaayeen, sidaasna waa waajib.

75- Madaxiisa hoos uma dhigayo korna uma qaadayo hase ahaatee wuxuu ka dhigayaa mid la siman dhabarkiisa.

76- Wuxuuna ka fogeynayaa labadiisa xusul dhinacyadiisa.

77- Wuxuuna leeyahay markuu rukuucsan yahay:

” سبحان ربي العظيم “

saddax mar ama in ka badan.

In laga dhigo tiirarka isku dherer.

78- Waxaana Sunna ah in laga dhigo tiirarka xagga dhererka isku mid oo ay noqdaan rukuucdiisa, sujuuddiisa iyo fadhigiisa u dhexeeya labada sujuud mid isku dherer ah.

79- Lama oggola in lagu akhriyo Qur’aanka rukuucda iyo sujuudda.

In la istoosiyo rukuucda ka dib:

80- Dabadeed waa inuu kor u kacaa oo uu toosiyaa dhabarkiisa rukuucda ka dib, sidaasna waa tiir.

81- Waxaana waajib ah inuu yiraahdo marka uu kor u qaadayo dhabarkiisa:

سمع الله لمن حمده

82- Wuxuuna kor u qaadayaa gacmihiisa markuu kor u kacayo sidaan horay ugu soo gudubnay.

83- Dabadeedna waa inuu u istaagaa si toos ah oo ay degganaansho ku jirto, inta laf kasta ay kaga noqoneyso meesheedii, sidaasna waa tiir.

84- Wuxuuna oranayaa istaaggaas:

” ربنا ولك الحمد “

waana waajib saaran qof kasta oo tukanaya haba ahaadee qof la tujinaya, maxaa yeelay sidaas waxaa lagu sheegay istaagga, tii ka horeysayse waxaa lagu sheegay marka la kacayo.

85- Waana inuu istaagnaadaa intuu rukuucsanaa oo kale sida horey lagu soo sheegay.

86- Dabadeed waxaa waajib ah inuu yiraahdo:

” الله أكبر”.

87- Wuxuuna kor u qaadayaa gacmihiisa mararka qaarkood.

Sujuudda:

Waa in gacmaha la hor dhigaa intaan la sujuudin:

88- Dabadeed markuu sujuudayo ayuu gacmaha dhulka dhigayaa ka hor jilbihiisa, sidaas ayuuna faray Rasuulka Eebbe n.n.k. wayna ka sugan tahay inuu sidaas sameeyay, wuxuuna dadka ka reebay inay dhigtaan jilibka sida geela u dhigto jilibka, geeluna wuxuu dhigtaa jilbaha
-kuwaasoo ah lugihiisa hortooda- marka hore.

89- Hadduu sujuudo -waana tiir- wuxuu dhulka dhigayaa gacmihiisa wuuna fidinayaa.

90- Waxaana la isku dhejinayaa faraha.

91- Waxaana gacmaha loo jeedinayaa Qiblada.

92- Wuxuuna gacmihiisa la simayaa garbihiisa.

93- Mararka qaarkoodna wuxuu la simayaa dhegihiisa.

94- Waxaana waajib ah inuu dhulka kor uga qaado xusulkiisa, uusanna ku fidin dhulka siduu eeyga u fidiyo oo kale.

95- Waana inuu si adag dhulka u dhigaa sankiisa iyo foolkiisa, sidaasna waa tiir.

96- Sidoo kale waa inuu si adag dhulka u dhigaa jilbihiisa.

97- Sidoo kalena faraha cagahiisa.

98- Cagihiisa waa inuu dhulka u dhigaa si taagan oo toos ah, sidaas oo dhanna waa waajib.

99- Wuxuuna u jeedinayaa faraha cagtiisa Qiblada xaggeeda.

100- Wuxuuna isku dhejinayaa cirbihiisa.

In lagu xasilo sujuudda:

101- Waxaa waajib ah inuu ku xasilo sujuuddiisa, sidaasna waxay ku noqoneysaa inuu xubnaha taabanaya dhulka qofka markuu tukanayo u dhigo si isla siman. Kuwaasna waa: foolka iyo sanka oo wada socda, labada gacan, labada jilib iyo faraha cagta.

102- Qofkii sidaas ugu xasilo sujuuddiisa, run ahaantii markaasi wuxuu helay degganaanshihii loo baahnaa, in lagu xasilo sujuudda waa tiir sidoo kale.

103- Wuxuuna oranayaa markuu sujuudsan yahay:

” سبحان ربي الأعلى “

saddax mar ama in ka badan.

104- Waxaana wanaagsan intuu sujuudsan
yahay inuu badiyo ducada, maxaa yeelay waxaa loo badiyaa in laga aqbalo.

105- Wuxuuna sujuudayaa intuu rukuucsanaa oo kale sida horey lagu soo sheegay.

106- Waana loo oggol yahay inuu ku sujuudo dhulka, ama uu dul saaran yahay dhar, katiifad, derin ama wax la mid ah.

107- Mana la oggola in la akhriyo Qur’aanka adigoo sujuudsan.

Inta la simo lugta bidix oo lagu fadhiisto: الافتراش
iyo in la fadhiisto cirbaha oo kor loo qaaday: الإقعاء
ee u dhexeysa labada sujuud:

108- Dabadeed wuxuu kor u qaadayaa madaxiisa isagoo oranaya ” الله أكبر ” sidaas ayaana waajib ah.

109- Wuxuuna kor u qaadayaa gacmihiisa mararka qaarkood.

110- Ka dibna wuxuu fadhiisanayaa isagoo xasillan inta laf kasta ay kaga noqoneyso meesheedii, sidaasna waa tiir.

111- Waana inuu cagtiisa bidix simaa hoosteedana ku dul fadhiistaa, taasna waa waajib.

112- Waana inuu cagtiisa midig dhulka ku toosiyaa.

113- Waxaana loo jeedinayaa faraha Qiblada.

114- Waa loo oggol yahay inuu ku fadhiisto cirbaha mararka qaarkood, waana inuu ku fadhiisto cirbihiisa labada cagna ay taagan yihiin.

115- Wuxuuna oranayaa isagoo fadhiya:

” اللهم اغفر لي، وارحمني، واجبرني، وارفعني، وعافني، وارزقني “.

116- Hadduu doonana wuxuu leeyahay:

” رب اغفر لي، رب اغفر لي “.

117- Wuxuu fadhiisanayaa intuu sujuudsanaa oo kale.

Sujuudda labaad:

118- Dabadeed waxaa waajib ah inuu yiraahdo

” الله أكبر ”

119- Wuxuuna kor u qaadayaa gacmihiisa isagoo oranaya ” الله أكبر ” mararka qaarkood.

120- Wuxuuna sujuudayaa sujuudda labaad, waana tiir sidoo kale.

121- Wuxuuna sameynayaa siduu sameeyay markii hore oo kale.

Fadhiga nasashada:

122- Marka uu madaxiisa kor uga soo qaado sujuudda labaad, oo uu doono inuu u kaco rakcada labaad waxaa waajib ah inuu yiraahdo ” الله أكبر ”.

123- Wuxuu kor u qaadayaa gacmihiisa mararka qaarkood.

124- Wuxuuna fadhiisanayaa ”wax yar” isagoo toosan, oo ku fadhiya cagtiisa bidix, inta laf kasta ay ku noqoneyso meesheedii.

Rakcada labaad:

125- Dabadeedna wuxuu kacayaa isagoo ku tiirsanaya gacmihiisa dhulka iyaga oo uu isku qabtay, sida uu iskugu qabto gacmaha kan wax cajiima, wuxuuna u kacayaa rakcada labaad, iyadana waa tiir.

126- Wuxuuna samaynayaa siduu sameeyay markii hore oo kale.

127- Inkastoo uusan akhrineynin ducada salaadda lagu furto.

128- Waana inay ahaataa rakcada labaad mid ka gaaban rakcada hore.

In loo fadhiisto at-Taxiyaadka:

129- Marka uu dhameeyo Rakcada labaad, waxaa waajib ah inuu u fadhiisto at-Taxiyaadka.

130- Wuxuuna ku dul fadhiisanayaa intuu simo lugta bidix, sidii aan ku soo marnay labada sujuud dhexdooda.

131- Hase ahaatee lama oggola in lagu dul fadhiisto labada cirib fadhigan.

132- Wuxuuna gacantiisa midig saarayaa bowdadiisa iyo jilibkiisa midig, xusulkiisa midig dhamaadkiisana wuxuu saarayaa bowdadiisa, kamana fogeynayo.

133- Wuxuuna gacantiisa bidix ku dul fidinayaa bowdadiisa iyo jilibkiisa bidix.

134- Lamana oggola inuu fadhiisto isagoo ku tiirsan gacantiisa, gaar ahaan bidixda.

Far-dhaqdhaqaajinta iyo iyadoo la eegayo farta:

135- Wuxuuna isku qabanayaa faraha gacantiisa midig dhamaan. Suulkana uu saarayo fartiisa dhexe mar.

136- Marna uu goobo ka dhigayo suulka iyo farta dhexe oo is wata.

137- Wuxuuna ku tilmaamayaa farta (Murugsatada) xagga Qiblada.

138- Wuxuuna eegayaa fartaas iyada ah.

139- Wuxuuna dhaqdhaqaajinayaa fartaas isagoo duceysanaya at-Taxiyaadka bilowgiisa ilaa dhamaadkiisa.

140- Mana ku tilmaamayo fartiisa gacanta bidix.

141- Wuxuuna sidaas oo dhanna sameynayaa
at-Taxiyaadka kasta.

Qaabka at-Taxiyaadka iyo ducada ka dib:

142- At-taxiyaadkana waa waajib oo haddii uu hilmaamo wuxuu sujuudayaa labada sujuud ee hilmaamka.

143- Wuxuuna u akhrinayaa si hoos ah.

144- At-Taxiyaadka qaabka loo akhrinayana waa:

” التحيات لله، والصلوات، والطيبات، السلام على النبي ورحمة الله وبركاته، السلام علينا وعلى عباد الله الصالحين، أشهد أن لا إله إلا الله، وأشهد أن محمد عبده ورسوله “

145- At-Taxiyaadka ka dibna wuxuu ku salinayaa Nabiga naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee oo wuxuu leeyahay:

” اللهم صل على محمد، وعلى آل محمد، كما صليت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، إنك حميد مجيد.
اللهم بارك على محمد، وعلى آل محمد، كما باركت على إبراهيم، وعلى آل إبراهيم، إنك حميد مجيد “.

146- Haddaad doontana waxaad ku soo gaabsaneysaa adigoo leh:
” اللهم صل على محمد، وعلى آل محمد، وبارك على محمد، وعلى آل محمد، كما صليت وباركت على إبراهيم، وعلى آل إبراهيم، إنك حميد مجيد”

147- Dabadeedna wuxuu ku duceysanayaa ducooyinka ku soo arooray at-Taxiyaadka mid kuu jeclaysto, iyada ayuuna Eebbe kaga duceysanayaa.

Rakcada saddaxaad iyo afaraad:

148- Dabadeed waxaa waajib ah inuu yiraahdo Takbiirta, waxaana Sunna ah inuu yiraahdo Takbiirta isagoo fadhiya.

149- Wuxuuna kor u qaadayaa gacmihiisa mararka qaarkood.

150- Dabadeed wuxuu u kacayaa rakcada saddaxaad, waana tiir sida midda ka dambeysa oo kale.

151- Sidaas oo kale ayuuna samaynayaa hadduu doono inuu u kaco rakcada afaraad.

152- Hase ahaatee ka hor intuusan kicin, waa inuu u fadhiistaa si toos ah, isagoo ku fadhiya cagtiisa bidix, inta laf kasta ku noqoneyso meesheedii.

153- Dabadeed wuxuu kacayaa isagoo ku tiirsan gacantiisa siduu sameeyay markuu u kacayey rakcadii labaad.

154- Dabadeed wuxuu akhrinayaa rakcada saddaxaad iyo afaraad kol kasta Faatixada waana waajib.

155- Wuxuuna ku darayaa Aayad ama ka badan mararka qaarkood.

Qunuutka arin darteed iyo marka lala imaanayo:

156- Waxaa Sunna ah inuu Qunuudo oo uu u duceeyo Muslimiinta Dhibaato ku dhacday darteed.

157- Wuxuuna u duceynayaa markuu rukuuco ka dib oo uu yiraahdo:

. ” ربنا ولك الحمد “

158- Mana jirto duco u gaar ah oo uu ugu duceynayo ee wuxuu ugu duceynayaa hadba ducadii ku habboon dhibaatadaas.

159- Markuu duceynayana wuxuu kor u qaadayaa gacmihiisa.

160- Ducadana kor ayuu u qaadayaa hadduu yahay imaam.

161- Dadka ku daba tukanayana waxay oranayaan Aamiin.

162- Markuu ducada dhameeyana wuxuu leeyahay takbiirta dabadeedna sujuudayaa.

Qunuutka Witarka iyo marka lala imaanayo iyo qaabkiisa:

163- Qunuutka Witarka ahse waa la oggol yahay mararka qaarkood.

164- Waxaana la Qunuudayaa rukuucda ka hor, waana uu ka duwan yahay Qunuutka haddii dhibaato dhacdo lala yimaado.

165- Wuxuuna ku duceysanayaa ducadan:

” اللهم اهدني فيمن هديت، وعافني فيمن عافيت، وتولني فيمن توليت، وبارك لي فيما أعطيت، وقني شر ما قضيت، فإنك تقضي ولا يقضى عليك، وإنه لا يذل من واليت، ولا يعز من عاديت، تباركت ربنا وتعاليت، ولا منجا منك إلا إليك “.

166- Ducadaas ayuuna Nabiga n.n.k. dadka baray, sidaas darteed intaas lagama kordhin karo, in lagu saliyo Nabiga n.n.k. mooyee, saligase waa la oggol yahay maaddaama uu ka sugnaaday Asxaabtiisa Eebbe ha ka raalli ahaadee.

167- Dabadeed wuu rukuucayaa oo sujuudayaa labo sujuud sida horay lagu soo sheegay.

At-Taxiyaadka dambe iyo ku fadhiisadka misigta bidix adigoo ku fadhiya dhulka:

التشهد الأخير والتورك

168- Dabadeedna wuu fadhiisanayaa si uu u akhriyo at-Taxiyaadka dambe labada at-Taxiyaadna waa waajib.

169- Wuxuuna samaynayaa sidii uu sameeyay
at-Taxiyaadkii hore oo kale.

170- Inkasta oo uu ku fadhiisanayo misigta bidix isagoo ku fadhiya dhulka, labadiisa cagoodna ay yihiin dhinaciisa midig, cagtiisa bidixna wuxuu hoos dhigayaa kubkiisa midig.

171- Cagtiisa midigna waa inuu ku toosiyaa dhulka korkiisa.

172- Waana loo oggol yahay inuu simo mararka qaarkood.

173- Waana inuu xoog ugu tiirsado jilibkiisa bidix iyadoo uu ku dul hayo gacantiisa bidix.

Waajibnimada in lagu saliyo Nabiga naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee iyo in laga nabadgalo afar:

174- Waxaana waajib ah at-Taxiyaadkan inuu qofka ku saliyo Nabiga n.n.k., waxaana ku soo sheegnay qaar ka mid ah qaababka loogu saliyo at-Taxiyaadkii hore.

175- Waana inuu Eebbe ka magangalaa afar isagoo oranaya:

” اللهم إني أعوذ بك من عذاب جهنم، ومن عذاب القبر، ومن فتنة المحيا والممات، ومن شر فتنة المسيح الدجال “.

Ducada ka hor intaan la salaama naqsan:

176- Ka dibna wuxuu ku duceysanayaa wuxuu doono oo ku sugnaaday Kitaabka iyo Sunnada, waana ducooyin badan, hadduusan waxba ka garaneyn ducooyinkaasi, wuxuu ku duceysanayaa duco anfacaysa diintiisa iyo adduunyadiisa.

Salaama naqsiga iyo jaadadkeeda:

177- Dabadeed waxaa tiir ah intuu midig u jeesto inuu salaama naqsado ilaa laga arkayo dhabankiisa cad ee midig.

178- Wuxuuna u jeesanayaa bidix ilaa laga arkayo dhabankiisa cad ee bidix, haba ahaatee salaadda Janaazada.

179- Imaamka wuxuu salaama naqsanayaa isagoo codka kor u qaadayo, waxaan ka ahayn salaadda Janaazada.

180- Waxaana loo salaama naqsadaa jaadadkan kala duwan:

Koowaad: Wuxuu leeyahay markuu u jeesto dhinaca midig:

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته ,

markuu u jeestana dhinaca bidix:

السلام عليكم ورحمة الله

Labaad: Wuxuuna leeyahay isla sidii oo kale iyadoo aysan la socon: ” وبركاته “

Saddaxaad: Wuxuu leeyahay markuu u jeesto dhinaciisa midig:

السلام عليكم ورحمة الله ,

markuu u jeestana dhinaciisa bidix:

. السلام عليكم

Afaraad: Wuxuu salaama naqsanayaa hal salaama naqsi xaggiisa hore isagoo u jeesanaya midigtiisa wax yar.

_____________

Walaalkey muslimka ahow! intaas waa intii aan awooday inaan idinkugu soo koobo kitaabkeygan:

”Siduu u tukan jirey Nabiga naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee oo kooban:

تلخيص صفة صلاة النبي صلى الله عليه و سلم

Aniga oo isku dayayey inaad fahamto sida loo tukado ee sugan. haddaad u tukato sidaan kuu tilmaamay ee uu u tukan jirey Nebiga naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee, markaasi waxaan Eebbe Kor ahaaye kaaga rajeynayaa inuu kaa aqbalo, maxaa yeelay haddaad sidaas sameyso waxaad ka dhabeysay dhab ahaantii hadalkii Nebiga n.n.k.:

” صلوا كما رأيتموني أصلي ”

”U tukada sidaad igu aragtaan inaan u tukado”

Intaas ka dibna waxaa lagaaga baahan yahay inaadan hilmaamin inaad ku dadaasho inuu qalbigaaga joogo oo aad khushuucsanaanto marka aad tukanaysid, maxaa yeelay waa hadafka ugu weyn ee ku jira is hortaagga addoonka Eebbaha Kor ahaaye hortiisa, iyo inta aad ka dhabayso khushuucii aan kuu tilmaamay iyo inaad u tukato siduu u tukan jirey Nabiga n.n.k. ayaad u heleysaa miraha la rajeynayo ee uu noo sheegay Barbaariyaheena Kor ahaaye isagoo leh:

Run ahaantii salaaddu waxay reebtaa xumaanta iyo dembiga.

” إن الصلاة تنهى عن الفحشاء والمنكر”.

Ugu dambeyntii waxaan weydiisanayaa Eebbe Kor ahaaye inuu naga aqbalo salaaddeena iyo acmaasheena kaleba, uuna ajarkeeda noo keydiyo maalinta aan la kulmeyno …

(Maalinta aysan xoolo iyo caruur waxba tarayn –qof Eebbe kula kulmaya mooyee isagoo ka maran qalbigiisa inuu wax la wadaajiyo caabudidiisa).

( يوم لا ينفع مال ولا بنون إلا من أتى الله بقلب سليم).

Waxaana mahad iska leh Eebbe Barbaariyaha uumanka.

الحمد لله الذي بنعمته تتم الصالحات
Waxaa mahad iska leh Eebbe kaa soo galaddiisu ku dhammaadaan wanaagyaalku