Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

HORDHAC

Sida la og yahay ummad kasta oo af, dhaqan iyo hidde wadaagta waxay leedahay murti iyo suugaan u gaar ah oo ay ku hirtaan. Hal-abuurayaasha dejiya suugaantaasna waxaa la og yahay iney door weyn ka cayaaraan isuduwidda, kicinta iyo horumarinta ummaddaas.

Sayid Maxamed wuxuu ka mid yahay abwaannada waaweyn ee taariikhda Soomaalida meel ka galay. Taasna waxaa u aqoonsan dadkiisa iyo dadyowga kale markay u sugnaatay inuu ahaa geesi waddani ah, gabyaa aftahan ah, buuni cilmi leh, siyaasi xirribbo badan. Intaaba waxaa marag u ah gabayadiisii jaad walba leh, waxaana garan kara qofkii murtidiisa dhuuxa marka laga eego xagga suugaanta, siyaasadda, wadaninnimada iyo aftahannimada ku jirta.

Diiwaankan waxaa ku qoran 120 gabay oo Sayid Maxamed tiriyey intii u dhexeysay 1904tii – 1920kii, iyo 16 gabay oo gabayada Sayidka xiriir la leh. Guud ahaan waxay gabayadaasi muujinayaan dhaqankii Soomaalida iyo heerkii suugaantu waqtigaas joogtay. Wixii gabay, geeraar iyo jiifto Sayidka laga hayey, oo saddex cay ah oo gaaban nisbadooduna aynan sugnayn ma’ahee, intii kale halka ayey ku dhan yihiin.

Marka waxbarasho guud mooyee, waxay gabayadu albaab weyn u furayaan qoraalka suugaanta af-Soomaaligu hodonka ku yahay. Waxayna dhaxal u noqon doonaan dadka danbe ee wax qori doona. Kuwaas oo buuggan ka heli doona tusaalooyin badan oo waxtar u leh.

Odayaashii tan iyo muddo dheer u guntaday inay uruuriyaan ka dibna qoraan buuggan, waxaa sharaf iyo abaalmarinba ugu filan inay wariyeen wixii mahadho Sayidka laga hayey, anaguna waxay naga mutaysteen mahad iyo ammaan.

Jaale Maxamed Aadan Sheekh
Xoghayaha Dowladda
Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

___________________

TUSMADA DIIWAANKA

Gogoldhig
Mahadnaq
Arar Guud
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan
Dagaalkii Horreeyey
Gumeysiga iyo Taariikhdii Daraawiisheed
Habka Buuggu U Qoran Yahay
Fiiro Gaar Ah
Afeef
Gabayada ku socda xarafka “A”
1. Xuseenow caqligu kaama baxo (Afbakayle)
2. Dhurwaa ariga Eebbaa leh
3. Xuseenow aqoon xume (jawaab)
4. Ragga Ayl u kacahayow
5. Nin aqdaamo ferenji ah
6. Saw ma aha
7. Ismaaciil Mirow
8. Jidka Adari loo maro
9. Eelkii qabsaday
10. Maantii asaayuhu dhacay
11. Ogaadeen haddaan ahay
12. Cali­ Geri aboodiga ku lalay
Gabayada ku socda xarafka “B”
13. Wararka badaha laga keenayo
14. Awel maanso waataan balfay
15. Baqalka kuugu soo diray
16. Bogadaawad
17. Ba’a e yaw sheega
Gabayada ku socda xarafka “T”
18. Tebiya oo geeya
19. Xuseenow tabtaan ahay
20. Tuurwaayow toban hal
Gabayada ku socda xarafka “J”
21. Xuseenow jikraar lama hadlee (Jiinley)
22. Koofil
23. Ilaaheennii Jaliilka ahaa
Gabayada ku socda xarafka “X”
24. Xiin Finiin
25. Xay guduudan la moodyow
Gabayada ku socda xarafka “D”
26. Dacwad baan ka leeyahay
27. Awel maanso waataan dayacay
28. Ma duqaynay reer Bari
29. Ararsame dalkiisii ka carar
30. Wiilyahow daloombiyi
31. Wiilyahow dammiin baad tahay
32. Nimanyahow dembow lama hadlo
33. Calanside
34. Doodna waxaan u leeyahay
35. Daraawiishta Saalixiya
36. Doqon baan ogayn Suudiyow
37. Daawad
38. Dacayow daallinkiiyow
39. Naagaba dumaashaan ka nacay
40. Xirsiyow dadkii waxaan ku nacay
41. Diiriye­ Abuu Jahal
42. Xirsiyow dabuub gabay
43. Ninkii diday ayaantii
44. Dardaaran
45. Bal dayooy!
Gabayada ku socda xarafka “R”
46. Rabbaa deeq leh
47. Caynab raabbiyan weeye
48. Reerkayga kama soo rareen
Gabayada ku socda xarafka “S”
49. Sayid baa ka baqay
50. Canjeel
51. Ma sabaan ka sabaan baan
52. Waa duni
53. Sagaal nin oo walaala ah
54. Saha kacay
Gabayada ku socda xarafka “SH”
55. Isna waa shiddiyo hoog
56. Wiilyahow shareecadu
Gabayada ku socda xarafka “DH”
57. Waayeel Dhadhabay
58. Ina Caliga Dhaaranahayaa
59. Dhabdarrada ma qaayibo
60. Hashaan dhamaca jiilaal
Gabayada ku socda xarafka “C”
61. Xirsiyow cod gabay
62. Afar halaad cayuunyahow
63. Cawskii Nugaaleed ka badan
64. Kaarshow camaadaa tahay
65. Ogaadeenka ciideed
66. Caliyow calaacal iyo way
67. Indha­caadlayaal
68. Kuwii cararay
69. Cara e yaa sheega!
70. Caga­wadaadley
71. Miinaanle
72. La’aye Cali­ Geri
73. Waa calako
Gabayada ku socda xarafka “G”
74. Guulle Eebbahayow
75. Ninka gaalka la siiyay (Calangube)
76. Nimanyahow xalaa lay gilgilay
77. Ninka yiri wax baan gani
78. Gudban (Gaala-­leged)
79. Daraawiish gufleysoy
80. Rayidow
81. Kufriga ina gabraaraya
82. Gurigii Dariiqaan lahaa
83. Guullow Allahayow
84. Shiikhyaale
Gabayada ku socda xarafka “F”
85. Ararsame
Gabayada ku socda xarafka “Q”
86. Qaali waxaad tiraahdaan
87. Wiilka qadafka ii soo dirow
88. Haddaad tiri
89. Cabdillaahi Aadan
Gabayada ku socda xarafka “K”
90. Keenadiid
91. Kalalaaga afkiisa
Gabayada ku socda xarafka “L”
92. Laalays
93. Xuseenow ninkii laable
Gabayada ku socda xarafka “M”
94. Ku milaada
95. Majeerteen
96. Maadeys
97. Maqashiiya uunka
98. Malaw ii soo godol
99. Mahade haw sheego
100. Mawdku ka adeegi
101. Mariyama Shiikh
102. Koofil walaashiis
103. Waa niman
Gabayada ku socda xarafka “N”
104. Xirsiyow naaqusnimo
105. Haddaan waayey
Gabayada ku socda xarafka “W”
106. Walhad
107. Waxaad tiraa weeye
108. Suldaan Faarax
109. Diintaan wadeeca uga dhigi
Gabayada ku socda xarafka “H”
110. Xasanow hub qaadday
111. Haasaawe layskuma xanto
112. Midabkiisu halyey
113. Hanfi iyo hunriga soo dhaca
114. Xuseenow ninkii xididkiis hagraday
115. Hashaan heensuhu siday
116. Xirsiyow hagaagtay
117. Hawiye
118. Xuseenow ninkii hagar yaqaan
119. Hunguri Subeer
120. Cali Xaaji Axmed
Dhammeystir

Comments

53 responses to “Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan”

  1. Cabdulaahi Adem

    Aad ayaan idinku mahad celinaya

    1. maamule

      Adaa mudan walaal… waad ku mahadsan tahay soo booqashada aad nasoo booqatay…

      1. Cabdulaahi Adem

        Maheli karaa ayagoo lagu codaynayo gabayadaan?

        1. maamule

          Hadday noo suurtagasho waan soo gelineynaa.

    2. Hamse osman

      Run ahaati wa taarikh aad u adgty si fudud in lagu soo ururiyo
      Lkn riyo ayaad rumeesy
      Alle haa ku barkeeyo

  2. Cabdulaahi Adem

    Waxaan halkan uga baahanahay in aan helo gabayadan oo lagu luuqaynayo.

  3. Nasiima Adoontii-Allaah

    Aad iyo aad ayaan uga mahadcelinayaa walaalaha soo celiyay xikmadihii Sayidka, waxaana dheefle qof walba oo raaca xikmadihii raggii usoo halgamay Soomaali dalkeeda iyo dadkeeda.

  4. Saahid

    Waad ku mahadsan tihiin dadaalka aad ugasheen noolaynta taariikhda Sayidka iyo uruurinta gabayadiisa.

    1. Aad baan u soo dhoweynayaa Diiwaanka gabayada Seyodka.
      Sidoo kale shaqsiyaadka iska xil saaray.
      Mahadsanidin

  5. Cabdirashiid Axmed

    Asc…
    Aad baad ugu mahadsan tihiin sida xilkasnimada ah ee aad diiwaan ugu samayseen halyeeygii Soomaaliyeed Sayid Maxamed maasha-Allaah, waa dhaxal wanaagsan oo bulshada Soomaalida iyo guud ahaan reer Afrika ku faani karaan.

    1. maamule

      Wacalaykum salaam, walaal Cabdirashiid.
      Adaa mudan.

  6. Cabdirashiid Axmed

    Maamulka Diiwaanka:
    Software ama buug inaad ka dhigtaan talo ahaan aad bay u fiicnaan lahayd.
    Mahadsanid mar kale sidaad ugu hagar baxdeen qoraalka Diiwaanka Gabayada Sayidka.
    MCX

  7. Cabdirashiid Axmed

    Aad baad ugu mahadsan tihiin tixgelinta afkaarta bulshada… pdf/doc na ballan qaadkiina waan ku kalsoonahay inaad soo gelinaysaan… Allaah ha idin ka abaal mariyo

    1. maamule

      Aamiin…

    2. Cabdillaahi

      PDF-kii ma soo galiseen?

      1. maamule

        Maya, walaal.

  8. maamule

    Waa talo aad iyo aad u wanaagsan. Buugga isagoo PDF iyo DOC ah waan haynaa, waan soo gelinaynaa inshaa-Allaah…

    1. Cabdillaahi

      Maamule waxaan u malaynayaa in aan wali pdf kii buugan web soo galin. Fadlan hadaad karto maad iigu soo gudbin kartaa email kan riyo21@yahoo.com. Mahadsanid
      Cabdillaahi

  9. Daauud Cali Cabdi

    Illaa iyo hadda ilama aha in Soomaali dhamaan laga heli karo nin Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo kale. Ta 2aad waxaa la dhihi karaa waa ninka Soomaalida ugu caqliga badnaa (horaan, hadda iyo mustaqbalkaba) taa cidi ka muransan ma jidho.

  10. Mukhtaar Cabdi

    Walaal aad ayaad ugu mahadsan tihiin dadaalkiina waanad dadaasheen runtii halkaana ka sii wada. Midda kale walaal waxaa fiicnaan lahayd inaad Application ka dhigtaan buug isku xidhan.

    1. maamule

      Adaa mudan, walaal Mukhtaar…
      Waa talo fiicaan, akhristayaasha qaarna ay soo jeediyeen, waana isku dayeynaa inaan buug walba isagoo isku dhafan soo gelinno…

  11. Axmed

    Aad baad u mahadsan tihiin sida quruxda badan eed noogu soo dhigteen shaashada gabayada Sayidka. Walaalayaal iyagoo video lagu luqaynayo ahna noo raadiya. Mahadsanidiin.

  12. Axmed

    Aad baad u mahadsan tihiin sida quruxda badan ee noogu soo dhigteen gabayada Sayidka. Fadlan walaalayaal iyagoo video lagu luuqadaynayana noo raadiya, gabayada Sayidka aad baan u jeclahay waana dhagaystaa in badan intaan ka hayo. Mahadsanidiin.

    1. maamule

      Adaa mudan…
      Waan soo gelinaynaa inshaa-Allaah.

  13. Weero

    mahadsanidiin, waxaana iiga tala ah in aad isku daydiin taariikhda tirtirmaysa in aad reebtaan maxaa yeelay ma jirto ilaa iyo hadda cid ka reebtay qoraal dhamaystiran markale iyo maraar kalaba isdhiiba wax wayn ayaan ka baranay

    1. maamule

      adaa mudan, walaal

    2. maamule

      buugga Taariikhda Daraawiishta waan soo gelinaynaa dhawaan inshaa-Allaah…

  14. Joker Brock

    Aad iyo aad ayaan uga mahadcelinayaa walaalaha soo celiyay xikmadihii Sayidka
    Waad ku mahadsan tihiin dadaalka aad ugasheen noolaynta taariikhda Sayidka iyo uruurinta gabayadiisa.

  15. Mr. Question Mark

    Walaal waad ku mahadsan tahay juhdigaad noosoo gelisay diiwaanka
    Gabayada Sayid Maxamed C/lle Xasan. Waxaan kaa codsanayaa innaad
    ka dhigtaan PDF iyo DOC haddii ay suuragal tahay.

    1. maamule

      Adaa mudan walaal. Mar baan soo gelinnay, laakin khaladaad badan baa ku jiray. Hadda turxaanbixin iyo tifaftir baa ku socda. Dhawaan naga filo, inshaa-Allaah…

  16. Maxamed Xasan Cabdulaahi Dhayib

    Waad ku mahadsan tihiin dadaalka aad ugasheen noolaynta taariikhda Sayidka iyo uruurinta gabayadiisa.

    1. maamule

      Adaa mudan walaal, soo dhawoow…

      1. Saadiq

        Khayr Alla ha idin siiyo shaqada fiican ee aad haysaan, halkaa ka wada hawsha.

  17. Maasha Allaah, waad ku mahadsan tihiin dadaalka iyo juhdiga aad soo geliseen diiwaankan.
    Waxaanse kasii jeclaan lahaa in qaab fudud oo lagu soo rogan karo aad ka dhigtaan, maadaama ay adagtahay in mid mid la minguuriyo.

    Mahadsanidiin

      1. maamule

        Mahadsanid Caydiid.

      2. Cabdirisaq

        Sxb mhdsnd

  18. Fatuma Adam

    Asc.
    Aad ayaad umahadsan tihiin walaalayaal bahda soo tabisay gabayadaan waan jeclaan lahaa inaad ku soo dartaan gabay hooyo wiilkeeda uqaadi.
    Thanks alot.

  19. Caaqil Yare

    Gabayadaan in la ilaaliyo waa shay qaali ah. Waxaana fiican inaan si fudud ku heli karno iyagoo cod ah.

  20. Ibraahin

    Aad baad umahad santiin. Sayidku wuxuu ahaa aabbihii afka Soomaali.

  21. Cabdikariin Macalin Maxamed Ibraahim

    Maashaa Allaah. Aad baan ugu mahadcelinayaa dhammaan aqayaartii na soo gaarsiisay diiwankan iyo taariikhaha kale ee la xiriira dadkeenii haldoorka ahaa sida Sayid Maxamed Cabdille Xasan, runtii wuxuu ahaa Shiikh fidiya diinta Islaamka, siyaasi xeeldheer oo soo hogaanshay halgankii xurnima raadinta dadkeena iyo dalkeena, sidaasi si lamida waxa uu ahaa Abwaan wax weyn ku kordhiyay taariikhda sooyaalka suugaaned ee afka Soomaaliga, waa seddex kaalin oo cajiiba dadkuna aysan isku wada helin badankood. Alla ha u naxariisto Sayid Maxamed Cabdille Xasan.

  22. Jikacow

    Kor Alla ha idinka dhigo.

    1. maamule

      آمين

  23. Faarax juxa

    Aad baad u mahadsantihiin

  24. ciiltire

    mashaAllah aad iyo aad ayaanu idiinka mahad celinaynaa sida dhamayska ah ee aad usoo qorteen amaba usoo ururiseen xikmadihii zeyid m.cabdulle Ilaah haw naxariistee.

  25. Hanad

    Aad baad umahadsantihiin walaalayaal waxaan gabay sayidka ee mar uu marayey gobolada koofueed uu qabaa’ilka ku hal qabsanayo sida abgaal gabayga magaciisa igu caawiya

  26. صلاد

    Buug ahaan suuqyada ma looga helaa

    1. maamule

      umaleyn mayo walaal, waayo waa hore ayaa la daabacay buugga, daabacaadda 1aad 1974, tan 2aadna 1999

      1. Cali c/raxman

        Buug ahaan waa la helaa oo dadka wuu yaal

        1. qoonasDa halkaa waxa ku jira qabar lixaad Wayne aya raba magaciisa

  27. Hassan Omar

    Aad baad umahdsantihiin

  28. Faadumo Moxamed

    waad ku mahadsan tahay walaal inaad noo soo diyaarisay gabayadii Sayidka Alle ha u naxariisto isaga iyo dhammaan abwaanadii kalaba. laakiin walaal qormada gabayada waxaan ku arkay in meel kastoo ay ku jirto xarafka DH aad ka dhigtay xarafka R sidaas awgeed waxaan jeclaan lahaa sidii dhawaaqa uu ku keenay abwaanku in loo tixgeliyo. waa fikirkayga walaal. mar labaaadna waad mahadsan tahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *